Haatuf, Cadadki 117, July 17, 2002 Shir laga yeeshay Qaddiyadda Somaliland
London (Haatuf): Shirkii ugu maqaam sareeyay ee ay dawladda Britain ka yeelato Qadiyadda Somaliland, ayaa shalay ka dhacay magaalada London, waxaana shirkaa si weyn loogu gorfeeyay is-taraajiyad cusub oo ay dawladda Britain iyo dalalka kale ee Midowga Yurub damacsan yihiin in ay ku waajahaan qadiyadda Somaliland, iyadoo kulankaa lagu dhegaystay warbixin ay soo jeediyeen diblomaasiyiin iyo saraakiil dawladda Britain ka tirsan oo socdaalo is-daba joog ah ku yimi Somaliland.
Shirkan oo uu guddoominayay Wasiirka Dawladda Britain u qaabilsan caawimada debedaha Clare Short, waxa uu ka dhacay xarunta Wasaaradda ee badhtamaha magaalada London, waxaana ka soo qayb-galay Saraakiil sar-sare oo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Debedda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Wasaaradda Caawimadda Debadaha iyo Hawl-wadeeno ka socda hay’adaha Samofalka dawladda Britain ee ka shaqeeya Somaliland, iyadoo shirkaa lagaga hadlay qorshe cusub oo ay gaar dawladda Britain, guud ahaana dawladaha Midowga Yurub ku doonayaan in ay wax ka bedelaan Is-taraatijiyadda iyo aragtidooda dhinaca Somaliland.
Shirkan oo socday intii u dhexaysay 9:00 – 1:00 maalinimo, waxa ay warar uu Haatuf shirkaa ka helay sheegeen inuu shirkaasi ahaa kii ugu badheedhaha badnaa ee ay dawladda Britain ku gorfayso qaddiyadda Somaliland, iyadoo ay Saraakiishii halkaa ka hadashay si adag carrabka ula dhaceen in ay Somaliland wax badan qabsatay, sidaa darteed ay dhaaftay marxalad indhaha laga laliyo. Waxa kulankaa warbixino kala duwan ka soo jeediyay Safiirka dawladda Britain u fadhiya dalka Itoobiya iyo Saraakiil kale oo dhawaan booqashooyin is-daba-joog ah ku soo maray meelo ay Somaliland ka mid tahay, kuwaas oo shirka uga waramay horumarka la taaban karo ee ay Somaliland kaga tallaabsatay dhinacyo badan.
“Waxay reer Somaliland samaysteen Nidaam gunta laga soo dhisay oo ka turjumaya baahida dadka,” ayay yidhaahdeen Saraakiisha iyo diblomaasiyiinta shirkaa Warbixinta ka jeediyay, iyaga oo mar kale yidhi; “Nidaamka ay samaysteen ma aha mid dusha lagaga keenay oo fullinaya dano cid kale ee waa mid ay samaysteen oo rabitaankooda ku yimi.”
Waxyaabaha ay saraakiisha iyo diblomaasiyiinta shirkaa ka hadlay Somaliland aad ugu majeerteen waxa ka mid ahaa; dhaqan-siyaasadeedka dimoqraadiyadda ku dhisan iyo geedi-socodka Saxaafadda Xorta ah, iyadoo dhinaca kalena ay Masuuliyiintii Shirka ku wada-hadlay isla qireen Aftidii loo qaaday distoorka Somaliland in ay ahayd dhacdo ka marag-furaysa rabitaanka dadka reer Somaliland. Waxa kale oo kulankaa si gaar ah loogu fallanqeeyay, sidii ay dawladda Britain Somaliland iyo meelaha kale ee Soomaalida ee ammaanku ka jiro, sida Puntland uga caawin lahayd waxyaalaha aasaasiga ah, sida Waxbarashada iyo caafimaadka.
Sidoo kale, waxa kulankaa lagu gorfeeyay sidii ay dawladda Britain iyo dawladaha kale ee Midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen wax ka qabashada Xayiraadda lagu soo rogay dhoofka xoolaha nool. “Waa in aanu gacan ka geysanaa, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada xayiraadda lagu soo rogay dhoofka xoolaha,” ayay yidhaahdeen.
Warbixinta ay shirkaas ka jeediyeen Diblomaasiyiinta iyo Saraakiisha socdaalada ku yimi Somaliland, waxay ku majeerteen hoggaanka cusub ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyaga oo yidhi; “Maamulka cusub ee Somaliland, waxa ka muuqda dedaal dheeraad ah oo ay ku doonayaan in ay qadiyadda Somaliland Caalamka u soo bandhigaan, Madaxweynaha cusubina waxa uu ku dooday in la gaadhay wakhtigii dalkiisa la aqoonsan lahaa.” Dhinaca kale, waxay u egtahay inuu shirkani qayb ka yahay is-bedel uu geedi-socodkiisu isa soo tarayay beryahan dambe oo la xidhiidha aragti iyo Istaraatijiyad cusub oo ay dalalka reer Galbeedku ku damacsan yihiin in ay ku eegaan qadiyadda Somaliland iyo guud ahaanba qadiyadda Soomaalida, taas oo ay doodahoodu isugu biyo shubmayaan in la jebiyo gidaarka isku cuno-duubka Soomaali-weyn, isla markaana cid kasta oo wax qabsatay goonideeda loolla mucaamilo.
Marka laga yimaado dawladda Britain, waxa jira dawlado kale oo goor hore yiqiinsaday qadiyadda Somaliland, sida dalalka Iskaadaneefiyanka iyo weliba Maraykanka, waxayna dawladaha reer galbeedku, waxayna wararka diblomaasiyadda ee dawladaha Midowga Yurub u dhuun-daloollaa tibaaxayaan in ay xataa danaynayaan sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen doorashooyinka qaarkood, sida kuwa dawladaha hoose.
Sidaa awgeed, waxay hadda u muuqataa in ay dawladaha Midowga Yurub iyo guud ahaan dunida reer-galbeedkuba ka soo degeen halkii ay muddo badan ka taagnaayeen Xaalka Somaliland, isla markaana hadda wax badan ka ogaaday dacaayadihii iyo wararkii xaqiiqda ka fogaa ee ay kooxaha Soomaalida ah iyo dawladaha Arrimaha Soomaalida lugta kula jira qaarkood ku awdi jireen qadiyadda Somaliland. Dhinaca dawladda Somaliland marka la eego, Inkasta oo uu Madaxweyne Rayaale bilowgii ku dhawaaqay inuu wax badan ka qaban doono Siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, haddana weli waa arrin u baahan dedaal shilis iyo istaraatijiyad sal ballaadhan oo dunida loogu bandhigo, sidii Somaliland ay beesha Caalamka uga heli lahayd Aqoonsi dawladnimo oo buuxa.
Hormood Oo Xaqiijiyay Inay La Midoobeen Ilays
Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha Ururka Hormood Maxamed Cumar Xaashi, ayaa ku celiyay in ay midoobeen labada Urur ee Hormood iyo Ilays, isla markaana ay wadahadalo u socdaan Ururada KULMIYE iyo SAHAN si ay u wada midoobaan. Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay Gudoomiyuhu oo uu arrintan kaga hadlayay waxa uu ku sheegay in warkii ku saabsanaa midnimada ay isla gaadheen labada urur ee Ilays iyo Hormood kuna soo baxay wargeyska Jamhuuriya cadadkiisi 1842 uu dhab yahay, ayna Hogaanka labada urur sidaa iskula gaadheen kulan ay ku yeesheen magaalada London.
Waxaanu intaa ku daray in ururka Hormood uu tixgalinayo Heshiiskaa diryaarna ay u yihiin in la dhamaystiro wixii ka dhiman. Intaa ka dib waxa Cumar Xaashi la weydiiyay su’aalo kooban oo arrinta ku saabsan. Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd wadahadalada u socda ururada Sahan iyo Kulmiye waxa uu sheegay in arrintaasi haatan lagu jiro meel fiicana ay marayso mar la weydiiyey sababta xilagan ku kaliftay hindisahan midowga ah waxa uu yidhi “ururada oo kala daadsan, duruufta dhaqaale oo liidata iyo dadka oo marka Axsaabta la eego u baahan wacyigelin badan ayaany markasta soo jeedin jirnay inay wixii midoobi karayaaba midoobaan ururada, markaa taasaa keentay wadahadaladuna way noo socdaan Kulmiye iyo Sahanba” isaga oo intaa ku daray inay rahaynayaan in hawshan lagu guulaysto midhana ay dhaliso.
Mar la weydiiyey sababta ay ururadani ay mar hore u midoobi waayeen waxa uu yidhi “Ururadu waa Somaliland uun, Somaliland waxa ka jira ayuuba iyagana ka jira, teeda kale waaya aragnimada dadkeena ee Axsaabta oo aad u yar markaa taasaa ugu weyn oo ma naqaan waxay Axsaabtu tahay laakiin ta aanu maanta, bilownay ayaanu rajaynaynaa inay najaxdo”
.Xoghayaha guud ee ururka Ilays Cumar Jaamac Faarax ayaa maalintii shalay beeniyay inay la midoobeen ururka Hormood, wuxuuse sheegay inay wadahadalo u socdaan ururada Ilays, Hormood, Sahan Iyo Kulmiye ilaa iyo hada wax war ah oo arrintani ku saabsani kama soo bixin ururada Sahan iyo Kulmiye. Hase yeeshee, Hogaamiyaha ururka Kulmiye Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo dadweynaha Burco la hadlayay Isniintii ayaa xusay inuu socdo dedaal lagu midaynayo ururada siyaasada intii israaci karta.
Qorshaha Hayadda UNHCR Ee Caawimada Qaxootiga Dib Ugu Soo Noqday S/Land Ee Ka Imanaya Djibouti Waxaa u Qorshaysan Hay’adda UNHCR In ay Gacan ka geystaan biyo-yaraanta Hargeysa toddobaadyada soo socda
Hargeysa (Haatuf): Toban gaadhi oo ah kuwa xamuulka qaada oo sida Qoysas hore qaxooti ugu ahaa Djibouti oo ku soo noqday Somaliland, ayaa shalay afartii galabnimo soo gaadhay Hargeysa. Dadkan shalay soo gaadhay Hargeysa oo ah qaybtii labaad ee qaxootiga ka soo noqonaya Djibouti ee ku soo noqonaya Somaliland waxaa galabnimadii 15 Julay 2002 ka soo ambabaxeen dooxa Bariisle, iyagoo ay hore baabuur kale uga soo daadguraysay Xeryihii Qaxootiga ee ku yaalay Jamhuuriyada Djibuuti.
Qaxootigan waxaa ku soo dhaweeyay markii ay dib ugu soo noqdeen Hargeysa, Haweenayda Wakiilka uga ah hay’adda UNHCR Somaliland iyo Soomaaliya Simone Wolken, Madaxa UNHCR xafiiskeeda Hargeysa Peter Mueti, iyo hawlwadeeno kale oo ka tirsan hay’adda UNHCR. Dhinaca Somaliland waxaa qaabilaada dadkaa ka soo noqday qaxootinimada Djibuuti qaabilay Agaasimaha guud ee Wasaarada Dib-u-dejinta iyo Dib-udhiska Somaliland Cabdilaahi Cumar Xasan oo u sheegay dadkaa in loo diyaariyay cunto iyo raashin soo dhaweyna iyo in ay yimaadeen dalkoodii qof walbana halkuu doono uu mari karo.
Simone Wolken oo ah Sarkaalad Sare oo madax ka ah hay’adda UNHCR fadhigeeduna yahay magaalada Nayroobi oo shalay wariyeyaal ka tirsan Wargeyska Haatuf ay kula kulmeen Ex-Ganad oo ahayd halkii taakulada ku meel gaadhka ay hay’ada UNHCR ku siinayaysay shalay qaxootiga ka soo noqday Djibuuti, ayaa sheegtay in ay hay’adda UNHCR todobaadyada soo socda ama bilaha soo socda ay wakaalada biyaha ee Hargeysa wax kala qaban doonto hawlaha biyaha.
Simone Wolken oo ka hadlaysay caawimada hay’adda UNHCR u qorshaysan in ay ku taakulayso qaxootiga dib uga soo noqonaya Djibuuti ee ku soo noqonaya Somaliland marka laga reebo 9-ka bilood ee raashinka ah iyo gargaarka soo celinta qaxootiga waxay kaga jawaabtay su’aashan “Inta UNHCR ka khusaysa dabcan way sii wadaysaa caawimada dhinaca qaxootiga hore ee dalkooda ku soo noqonaya, horeba waxay UNHCR 40 marshruuc ayay ka fulisay deegaanada Somaliland ee ay dadkani ku soo noqonayaan inta ka hadhay sannadkana waxaa la fulin doonaa kuwa kale.
Waxaa kale oo aanu ku dhiiri-galinaynaa hay’adaha kale inay caawiyaan” Simone Wolken iyadoo ka jawaabaysa su’aal ahayd sida ay dadkani shaqo-abuuris loogu caawin karo maadaama ay muddo qaxooti ahaayeen, waxay tidhi “Qaxootigani waxay ka mid yihiin tiro badan oo ka mid dadka qaxootiyada ka soo noqday ee reer Somaliland ee u baahan barnaamijyada shaqo abuurista, mashaariicda Dakhliyeentana waa kuwa ay sameeyaan hay’adaha sida UNHCR oo kale. Xaaladahaa UNHCR way samayn kartaa, Hubinta in dad sidan oo kale ahi ay ka soo kabtaan dhinaca dhaqaalaha waa hawl ay qaban karaan hayadaha, oo ay UNHCR qaban karto, waananu ku dedaalaynaa qabashada wixii guul u keenaya hawlaha ay qabato UNHCR, taas ayaa ah ballan aanu ku dhaqmayno.”
Waxaa xusid mudan in Simone Wolken oo ah ruux dumara ay shalay galab la timid hawl qabad ka duwan kuwa lagu yaqaanay saraakiisha dhigeeda ah, Simone Wolken waxay timid xeradii hore ee Ganad 2 saacadood ka hor intaanay iman qaxootigii halkaa yimid, waxaanay gacanteeda kaga qayb qaadaynaysay hawshii halkaa ka socotay, mar qudhana may fadhiisan iyadoo 2 saacadood kadib markii ay qaxootigu yimaadeen hawsha halkaa ka sii waday.
Peter Mueti oo ah Madaxa hay’adda UNHCR xafiiskeeda Hargeysa oo ka jawaabay su’aal Wargeyska Haatuf ka weydiiyay sida xafiiskoodu u hubiyo in mashaariicda ay bixiyaan gaadho dadka loogu talo-galay ee qaxootiyada ka soo noqday, ayaa sheegay in mashruuc walba oo xafiiska UNHCR ee Hargeysa uu bixinayo ay kala xidhiidhaan wasaaradaha Somaliland ee arrintaasi khusayso iyo inay mashaariicda u sii mariyaan dadka (NGO) ay soo xuleen hayadaha dawladda Somaliland ee lifaaqyo ka wata (Recommendation) soo siiya NGO-yada.
Hodan Ibraahim oo ka mid ahayd dadka ka soo noqday qaxootiga Djibuuti, gaar ahaan xerada Hol-hol oo uu Wargeyska Haatuf weydiiyay halka ay degi doonto mar haddii ay ka soo noqotay qaxootinimadii, ayaa sheegtay in ay Hargeysa ku lahaan jireen jago dhul ah oo ay halkaa aqal Soomaali ka dhisan doonto, si ay ugu noolaato, haddii aanay u tegin jagadii oo cid kale degen tahay. Hodan waxay intaa ku dartay inuu ninkeedu qaxootinimada kahor ugu xoogsan jiray farsamada makaaniknimada ee baabuurta.
Dadkan ka soo noqday Jabuuti ee soo gaadhay Hargeysa shalay waxay u badnaayeen dumar iyo carruur, waxayna hay’adda UNHCR ugu sii diyaarisay goobtii ay ku soo degeen ee Ex-Ganad Raashin bisil, biyo iyo Raashin Qaydhiin oo loo qaybiyay, Baco Bustayaal, weelka biyaha, Iwm.
Degmada Gebilay Iyo SaamayntaUu Ku Yeeshay Xuduudka La Furay Gabiley (Haatuf): Labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti ayaa hadda guud ahaan isu socodka dadka iyo dhaqdhaqaaqay ganacsigaba waxa ka muuqday isbedel, ka dib markii ay dhowaan labada dawladood ee labada dal heshiis ka gaadheen in la furo xadka labada wadan u dhexeeya oo muddo xidhnaa, heshiiskaa oo markii la kala saxeexday wax yar ka dib dhaqan galay. Xadka la furay waxa uu keenay isbedel saameeyey isu socodka dadka iyo dhaqdhaqaaqay ganacsi ee degaamada ood-wadaagta la ah dalka Jabuuti, gaar ahaan gobolka Awdal iyo degaamada la xidhiidha, laakiin meelaha uu xuduudka la furay saamaynta ku yeeshay waxa ka mid ah degaamada gebilay, balse waxay is-waydiintu tahay saamayn noocee ah ayuu xuduudka la furay ku yeeshay degmada gebilay.
Weriyaha Haatuf ee degmada gebilay, Maxamed Xasan oo fadhigiisu yahay magaalada gebilay ayaa war-bixin uu noo soo diray ku eegaya sida uu xuduudka la furay u saameeyey dhaqdhaqaaqa degaamada gebilay, wuxuuna war-bixintiisa ku bilaabay: “xuduudka la furay ee Somaliland iyo Jabuuti waxa uu keenay isbedel la xidhiidha isu socodka dadka iyo ganacsiga labada dhinac ( Somaliland iyo Jabuuti ), gaar ahaan degaamada ood-wadaagta la ah iyo dalka Jabuuti, sida goblolka Awdal iyo degaamo kale oo ay ka mid yihiin degaamada gebilay. Hase yeeshee marka aynu eegno sida uu xuduudka la furay u saameeyey degmada gebilay iyo gobolka Awdal ee ay degaan wadaagga yihiin waxa la dareemay xarakaad cusub oo la xidhiidha isu socodka dadka iyo dhinaca ganacsigaba, taas oo aad arkayso baabuur rakaab sida oo had iyo goor ka soo gelaysa dhinaca Jabuuti iyo kuwa u baxaya dhinaca Jabuuti, waxayna dadka dhinaca Jabuuti ka soo gelayaa u badan yihiin qoysas ka soo xagaa baxay kulaylka xeebta Jabuuti, iyadoo aanay dadkaasi soo xagaa bixi jirin mudooyinkii uu xadku xidhnaa ama ay yaraayeen.
“Qof-qof ayuun baa naga soo xagaa bixi jirey” ayey igu yidhaahdeen qaar dadkaa ka mid ah oo aan la sheekaystay. Sidoo kale dad reer-Somaliland iyo reer-Jabuutiba isugu jira oo hadda gebilay degan ayaa ii sheegay inay xuduudda xidhani ku haysay dhibaato badan, taas oo bay yidhaahdeen aanu cidhiidhi badan kala kulmi jirey ka gun-gaadhidda muraadka nagaga xidhma labada wadan mid ka mid ah, iyadoo ay jiraan qoysas soo xagaa baxay iyo kuwa kale oo halkan degan oo ay masaariifta iyo muraadda kaleba kaga xidhmi jireen dhinaca Jabuuti. “ Kharash badan iyo jid-dheer oo rafaad badan ayuu la kulmi jirey qofka is yidhaahda tag” ayey yidhaahdeen.
Gabadha magaceeda la yidhaahdo Malyuun Axmed oo gebilay degan, kana mid ah ganacsatada yar yar ee ka dhex shaqaysta labada dal (Somaliland iyo Jabuuti) ayaa ii sheegtay inay dalka Jabuuti u iib-geyn jirtey waxyaalo ay ka mid yihiin: Subagga, Muqmadda, Khudradda IWM., hadhowna ay ka soo iibsan jirtey alaabooyin ay ka mid yihii: Cadarka, dharka dumarka, maryaha huudhaydhka loo yaqaan IWM., laakiin ay taasi istaagtay ilaa iyo intii uu xadku xidhnaa ama ay yarayd. Hase yeeshee hadda waxaad arkaysaa safaro u baxaya dhinaca Jabuuti iyo qaar ka soo gelayaba, waxaana dadka dareenkooda ka muuqda xarakaad iyo nayaayiro cusub, taas oo u muuqata inay ku faraxsan yihiin xuduudka la furay.
Xaaji Cabdi oo ka mid ah dadka hadda ka soo xagaa baxay Jabuuti oo gebilay jooga ayaa mar aan waydiiyey sida uu u arko furitaanka xuduudka waxa uu ku jawaabay “Anigu waxaan ka mid ahay dadka Reer-Jabuuti, sannadkastana waxaan u soo xagaa bixi jirey Somaliland oo xaggana bilo ayaanu fadhi jirey, xagaana bilo ayaanu fadhiyi jirey oo anigu Jabuutina guryo ayaan ku leeyahay Gebilay iyo Hargeysana guryo ayaan ku leeyahay, markaa anigu waxaan qabaa furintaanka xuduudku wax weyn ayuu taray, gaar ahaan xagga isu socodka dadka, maalintii xadka la furayna gaadiidkii iyo dadkii Jabuuti ku xanibnaa iyo kuwii halkan ka baxayeyba si fudud ayey u soo gud-been, waana uga mahad naqaya labada madaxweyne ee labada dal heshiiska ay arintaa ka gaadheen”.
Marwo: Caasha oo ka mid ah dadka wax ku iibiya suuqyada magaalada gebilay ayaa ii sheegtay inay magaalada camireen dadkii Jabuuti ka soo xagaa baxay, kuwaas oo guryo badana kiraystay, isla markaana kor u qaaday wax kala iibsiga suuqyada. “Waxaad arkaysaa, iyaga oo dadkaasi suuqyada wax ka iibsanaya” ayey tidhi Marwo: Caasha.
Dadka ka soo xagaa baxay Jabuuti ee hadda ku sugan magaalada gebilay waxa dareenkooda ka muuqda farxad, taas oo ay tibaaxeen inay ku faraxsan yihiin xagaa baxa ay u soo baxeen halkan, iyaga oo mudadii uu xadku xidhnaa ay taa dhibaato ka haysatay oo uu ku adkaan jirey imaatinku. Marka laga yimaado magaalada gebilay waxa kale oo ay, iyana taas oo kale ka jirtaa magaalooyinka Arabsiyo, Agabar, Tog-wajaale iyo Kalabaydh, meelahaas oo ay maalin walba soo gaadhaan dad ka soo xagaa baxay dhinaca Jabuuti, iyadoo waqtigan lagu jiro fasaxii Dugsiyada Jabuuti. Qaar ka mid ah dadka soo xagaa baxay oo aan la sheekaystay ayaa ii sheegay inay joogayaan ilaa inta uu dhamaanayo xiliga xagaagu.
Waxa kale oo jirta inay dad aad u badani sannadkan dhinaca Jabuuti kaga soo baxeen oo ay yimaadeen magaalooyinka gobolka Awdal, sida Boorame . Si kasta ha ahaatee marka la eego mudadii koobnayd ee ka soo wareegtay xiligii xadka labada wadan u dheexeeya la furay degaamada gebilay iyo guud ahaan degaamada kale ee galbeedka Somaliland waxa laga dareemay dhaqdhaqaaq weyn oo la xidhiidha isu socodka dadka iyo ganacsigaba, taas oo ay dadka dhinaca Jabuuti ka soo gelaya iyo dadka degaamada Somaliland deganiba dareenkooda ka muuqato inuu ka kacay culays saarnaa”.
“Markii Aan Hargeysa Soo Galay Waxaan Arkay Guryo Qurux Badan’Dr: Aadan Xirsi
“Waxaan dalka ka maqnaa muddo badan oo soddoneeyo sannadood ku dhow” sidaa waxa yidhi Dr: Aadan Xirsi oo ah nin reer-Somaliland ah oo ka mid ah dadka qurbaha ku raagay, laakiin markii ugu horaysay mudadaa dheer toddobaadkan dalka yimi, gaar ahaan magaalada Hargeysa, isaga Aadan bartay aqoonta dhakhtar-nimada, sheegayna inuu sito shahaado sare oo dhinaca dhakhtar-nimada ah, haddana ku talo jira inuu dalkiisa dego. Hase yeeshee Dhakhtar Aadan waxa uu sababaha uu mudadaa dheer debedaha ugu maqnaa uga waramay qaar saxaafadda ka tirsan iyo sababaha uu waqtigan xaadirka ah u go’aansaday inuu dalka ku soo guryo noqdo iyo weliba aragtida uu hadda ka qaatay dalkiisa uu mudada dheer ka maqnaa.
Dhakhtar Aadan, isaga oo ugu horayn ka waramaya waayihiisii qurba jooga mudada dheer iyo waxyaalihii uu qaban jirey waxa uu yidhi “ Markii hore waxa aan ku jirey jaamacad, markii dambena wadamada carabta ayaan tegey oo aan muddo joogay, laakiin Ingiriiska ayaan haddana tegey, halkaana waxaan kula kulmay halgankii SNM-ta, waxaana ka mid ahaa raggii u horeeyey ee halganka SNM-ta ka bilaabay wadanka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London, taas oo aan wax ka furay xafiiskii u horeeyey ee ay SNM London ka furatay, aniga oo xafiiskaa muddo laba sannadood ah madax ka ahaa”.
Laakiin dhakhtar Aadan, isaga oo ka waramaya sababta uu hadda u go’aansaday inuu dalkiisa dib ugu soo guryo noqdo waxa uu yidhi “ iyadoo intii aan debedaha joogey aan mar walba la socday wararka iyo xaaladaha dalka, ayaa inaan imaado waxa igu dhiiri geliyey markii aan ogaaday inuu wadankii hadda meel wanaagsan marayo oo ay nabadgelyo wanaagsani jirto iyo inay jiraan dawlad iyo distoor iyo Axsaab siyaasiya oo aminka u halgamaysa inaynu ka qayb galno doorashooyin xor ah oo xalaal ah (Free and Fare election) , taa ayaa igu soo dhiirisay inaan imaado wadanka”. Hase yeeshee dhakhtar Aadan, isaga oo tilmaamaya soo guryo noqoshadiisa sida uu u arkay muuqaalka dalka maadaama uu muddo dheer ka maqnaa waxa uu yidhi “Waxyaalihii ay markiiba indhahaygu jeclaysteen waxa ka mid ah garoonka diyaaradaha (Hargeysa) oo aad moodo inay hadda ka horumarsan tahay garoonka Jabuuti oo ahaa wadan inaga horeeyey, markii aan magaalada soo gelayey waxaan wadada ku arkayey guryo aad u qurux badan, taana waan jeclaystay, inkasta oo aan taa ka jeclaan lahaa inay Hargeysa leedahay wadooyin wanaagsan”.
Dhakhtar Aadan waxa kale oo uu sheegay inuu dhinaca debedaha kaga qayb qaadan jirey qadiyadda ictiraaf raadinta Somaliland, isaga oo xusay inay jiraan talaabooyin ay Somaliland qaaday oo mar walba u dhowaynaya dhinaca ictiraafka, wuxuuna yidhi “ Debedaha waxaanu ka wadnay halgan dheer oo ku saabsan sidii loo ictiraafi lahaa Somaliland, halkana waan ka sii wadayaa hawshaa, iyadoo Somaliland maalinba maalinta ka dambaysta ay qaadaysa talaabooyin soo dhowaynaya in la ictiraafo, tii ugu dambaysayna ay tahay markii uu geeriyooday madaxweynihii hore marxuum: Maxamed X. Ibraahin Cigaal, taas oo, iyadoo aan weli la aasin markiiba la sameeyey isbedel oo sidii distoorku dhigayey madaxweyne-kuxigeenkii loo magacaabay madaxweyne cusub, iyadoo aanu jirin qalalaase iyo cid wax isku qabqabsataa toona, taas oo aduunyada tusaysa inaynu nahay dad aqoonsi geya”.
Dhakhtar Aadan mar la waydiiyey inuu xidhiidh hore la lahaa ama hadda danaynayo inuu ku biiro ururada dhinaca siyaasadda ee Somaliland ka abuurmay waxa uu taa kaga jawaabay “Horta waxaan wadanka joogay muddo ka yar wiik (Toddobaad), markaa macluumaadka aan ka hayaa wuu yar yahay ururada u halgamaya talada dalka (Madaxtooyada), waxaanse jecelahay inaan dadkana waraysto, iyagana (Ururada) aan dhegaysto hadaladooda, dabadeedna waxa ila gud-boon maalinta uu foodku yimaado ururka aan is idhaahdo ururkaa ayaa ugu wanaagsan ayaan siinayaa foodkayga, laakiin iminka si isku mid ah oo ay ii wada siman yihiin ayaan u arkaa”, laakiin dhakhtar Aadan waxa uu sheegay inuu inta cimrigiisa ka hadhay dalka gudihiisa kaga shaqayn doono mih-nadiisa dhakhtar-nimo oo aanu ku talo jirin inuu camal kale u leexdo “ Waxa keliya ee aan maanta cilmi weyn u leeyahay waa caafimaadka dadka, taas ( dhakhtar-nimada) ayaanan meel kale uga leexanayn oo aan ka shaqaynayaa inta cimrigayga ka hadhay” ayuu yidhi dhakhtar Aadan.
BADHEEDHAHA WARGEYSKA Hooyada Ilmaheeda Eyda Ku Soortay
Allah (sw) Ciqaabta adagee uu ku waajibiyay qofka Muslimka ah ee sinaysta, ma aha keliya Ciqaab adag oo lagu joojinayo dembi xagga aakhiro uun lagu mudanayo, ama Alle ku waajibayay adoomihiisa ee waa mid ay ka dambayso xikmad weyn oo Allah (sw), ummadda Islaamka ah ku galladay, uguna gargaaray haddii garashadeeda loo yeesho, taas oo saamayn weyn ku leh noloshooda ifka.
Sida ay daliiliyaan Culimadda diintu, Allah waxa uu si aasaasi ah u adkeeyay Caqiiddada qofka Muslimka ah, naftiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa, kuwaas oo Qur’aanka Munasilka ah, axkaamta iyo axaadiistuba ay aad uga hadleen. Dhammaan ama inta badan xeerrarka shareecadda Islaamku, waa kuwo qofka Muslimka ah u ilaalinaya Diintiisa, dhiigiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa. Culimada qaar waxay ku macneeyaan waajibnimada Salaadda, mid qofka ku ilaalinaysa yaqiinta Alle iyo Rasuulkiisa, xaarraantimaynta dhiigga qofka Muslimka ah oo xaq-darro lagu daadiyo iyo ciqaabta qisaasta, iyo magta ah ee dilka iyo xukumada la xidhiidha dhaawacyada iyo qoomaha, ayaa macnahoodu cad yahay. xaaraamaynta boolida iyo ciqaabta tuugada iyo jidgooyada, ayaa iyaguna ka turjumaya ilaalinta maalka qofka Muslimka ah, halka xaaraamaynta Sinada, fawaaxishta iyo ciqaabta diintu ka waajibisay ay yihiin kuwo Allah (s.w) uu ku adkaynayo kuna ilaalinayo sharafta, karaamadda iyo nasabiyadda qofka iyo guud ahaan bulshada Muslimka ah. Waxa kale oo qoddobkan soo hoos gelaya xaaraamaynta Maandooriyayaasha iyo khamaarka oo ay xaqiiqo tahay in ay sharafta qofka waxyeelaan, ayna ku tuuri karaan dunuub xad-gudub ku ah dhawrsanaantaas qofka Muslimka ah.
Dhammaan qodobadaasina, waxay ku aroorayaan oo ay macnaynayaan kelmadda “Islaam” oo ah “Hoggaansanaan” iyo “Diinta Islaamka” oo ah diintii nabadgelyada. Mana jiro xeer iyo qawaaniin Caalami ah iyo mid maxalli ah oo sidaa cad u ilaalinaya ama ugu salaysan danta qofka aadamiga ah. Haddaba, waxa muuqata in bulshadeenu ay hadda ka tallowday xuduudkaas Allah (s.w) uu ku ilaaliyay ummadda Muslimiinta ah, isla markaana fusuqa iyo sinadu ay noqotay wax aan laga xishoon. Tani ma aha mala-awaal ee waa mid ciqaabteeda iyo calaamadeedu ka muuqato magaalooyinka waaweyn ee dalka ugu yaraan bishiiba mar ama laba jeer.
Carruurta yar-yar ee marka ay dhashaan lagu tuuro dooxyada, qashin-qubka iyo musqulaha, ayaa beryahan dambe ahaa war naxdin leh oo soo noqnoqday. Xaqiiqdiise ma aha war murugo leh oo keli ah ee dhinaca kalena, waa astaan iyo ishaaro ina tusaysa heerka uu marayo fusuqu bulshadeena dhexdeeda. Waayo? Waxa intaas ka badan inta ubad uurka hooyo lagu dilo ee la dhiciseeyo (potion), inta gabadh lakudaashay ama la irdhowday mushkiladdaa iyo inta dirqi ku sharciyaysay ilmo ay caloosheeda uun ku aragtay.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa nin faras dabadii ka degey meel uga toolmoon buu waayay. Waxaad malayn kartaa in hooyada go’aansatay in ilmihii ay Dhashay ay u sadqayso Eyda iyo bisaaska ay kala dooratay in ay iyadu is-disho iyo in ay disho ilmaheeda. Inta badan haddana kuma badbaadaan falkaas, waxaana soo qabta Booliska, iyada oo xanaftii iyo xannuunkii foosha qabta.
Runtii waa dhibane dembiile ah, qof jilicsan, taas oo ay u wehesho aayaheedii oo dumey iyo iyadoo keligeed ku dhagarowday falkii dhagar-qabuhu la galay ee laga yaabo inuu daacadnimadeeda iyo dumarnimadeeda uu ka faa’iideystay isaga oo aan ceebta iyo ciqaabta la qaybsanayn. Ma jirto ayaan filayaa qoomamo ka weyn oo qof soo martaa, laakiin ma aha qoomamadaasi mid bulshada inteeda kale wax ugu filan oo ay ku waantoobi karaan, maadaama uu qofkaa keligii waayo-arag u yahay.
Dhinaca kalena, waxay noqonaysaa caddaalad-darro weyn marka dhibanaha dambiilahana ah ee aan ciqaabi u dhinnayn keligii dusha laga saaro dembiga, halka dembiilihii weynaa ee dembigaa galay (ragga) uu suuqa laafyoonayo welina uu diyaar u yahay inuu hablo kale sidaa u laayo, si ka duwan dumarka. Ragga dunuubtaas galay waa kuwo aan ifka ku qoomamayn dembigaas, aakhirana aan u tudhanayn. Sidaas darteed, ayaa mushkiladdan bulsho ay tahay mid sii socota, siina socon doonta ilaa sharciga lagu xakameeyo, dadkuna ay dib ugu noqdaan xerrada Illaah ku asturay ee magangelyada u ah. Si kasta oo dastuurkeena loogu dhigay in dalka lagaga dhaqmaayo shareecadda Islaamka, haddana waxa la ogyahay in aan lagu dhaqmin, iyadoo loo sameeyo cudur-daarro, muuqaal dhab ahayn iyo duruufo gaar ahaan in shareecadda Islaamka ciqaabteedu adag tahay. Balse ilaa Xukumadaa adag lagu dhiirado dhibaatadu way soconaysaa.
Arday wax ka baranaysay Kulliyaddii Sharciyadda Soomaaliya, ayaa Garsoore Sare oo khudbad ama (Lecture) ujeedinayay waxay weydiiyeen su’aal madaxooda ka weynaatay oo ah; “Sidee ayaa xaakimku ugu dhiiran karaa qof nool oo hortiisa taagan uu iska dhawaaqo hala dilo.” Sharci-yaqaanku waxa uu ugu garaabay Ardayda in ay adag tahay in qof caadi ahi uu go’aan sidaa u adag gaadhi karo. Laakiin Xaakimku uu go’aamin karo, marka uu qiimeeyo baaxadda dembiga uu qofkaasi galay ama qoddobada sharci ee haya iyo waxyeelada iyo dhibaatada dambe ee uu Qaranka ama bulshada u geysan doono.
Si kasta iyo dariiq kasta ha loo maree, golayaasha sharci-dejinta iyo Xukuumadda waa in ay dhigaan shuruuc wax lagaga qabto aafadan bulsho ee dalka soo waajahday. Waxa iyana muhiim ah in dawladda iyo bulshaduba dhiiri-geliso guurka, si loo yareeyo Macsidda.
Mushkiladdan waxa digniin jidhiidhico iyo damaq leh ka bixiyay Abwaanka weyn ee Faylasuufka ah, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo Maansadiisa “Indha badan” kaga hadlay mushkiladdan, isaga oo waaninaya Inan uu isagu masuul ka ahaa, taas oo uu ka mid ahaa tuducani: “Bal albaabkan garaac, Ummul baa hurudoo, Wax ku oogan xanuun Aamanuun gubayee. Ilmahay dihataa Xalay Eydu cuntoo, Hooyadii amranayd, Arxan qoysey markuu Xeer illow ku dhacee…. Shan afraad, shan afraad, Birta kii ka aslaa Oori daydayayee Aroosow magacaa….”
Falastiiniyiinta oo 7 Israa’iiliyiina ku dilay….
Qaza (W/Wararka) - Nin Falastiini ah oo qori ku hubaysnaa Daanta Galbeed ayaa 7 Israa’iiliyiina ku dilay oo la socay Bas maalintii Salaasada ee shalay. Dhimashadani waxay noqotay tii ugu badnayd Bariga dhexe ilaa intii saraakiil nabadoona oo sarsare ay arrinta Bariga Dhexe kulamo ka yeesheen. Weerarkaa waxaa kale oo ku dhaawacmay 20 qof.
Yitzhak Kaufman oo ahaa Israa’iili dhacdadan goob-joog ka ahaa ayaa sheegay in Bas lagu qarxiyay Bom, kadibna uu Falastiinigu ku furay rasaas dadkii ka badbaaday qaraxa. Wuxuuna intaa ku daray in dumarkii iyo caruurtii uu shilkani ku dhacay iyo dhiigii dadka qaarna ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen. kuwaas oo daadsanaa dhulku uu abuurayay muuqaal argagax leh.
Goobta uu weerarkaasi ka dhacay oo u dhaxaysa Qilqilya iyo Nablus. Qaraxaa iyo dilkaa waxaa ka sheegtay Telefishan ku yaal Lubnaan oo ay maamulaan ururka Xisbulah Guutada AQSA ee garabka Falastiiniyiinta ee Fatax oo uu hoggaamiyo Yaasir Carafaat. David Baker oo ah sarkaal u hadlayay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil ayaa arrintan ku tilmaamay inay ka mid tahay dagaalka socda ee lagu hayo Israa’iil iyo dilka ee ay ka shaqaynayaan maamulka Falastiiniyintu. Nabil Shaat oo ah mas’uulka u qaabilsan Falastiin Golaha maamulkaas ayaa sheegay in ciidamada Nabad-ilaalinta ee Falastiiniyiintu ayna waxba ka qaban karin weerarada halkaa ka dhaca, sababtuna ay tahay ciidamada Israa’iil oo hawlgalkoodii dhawaa ku burburiyay Falastiiniyiintii amniga aagaasi.
Maamulka Falastiiniyiintu way cambaaryeeyaan weerarada loo geysto shicibka Israa’iiliyiinta ah, laakiin kama hadlaan weerarada loo geysto askarta Israa’iil iyo weerarada ka dhaca dhulkii maamulka Falastiin ee Israa’iiliyiintu qabsadeen ama degaanada cusub ee la dejiyay Israa’iilyiinta. Qaraxaa shalay ka dhacay Daanta Galbeed wuxuu hadheeyay Shir gelinkii dambe ee isla shalay New York ka dhacay oo isugu yimaadeen dibloomaasiyiin sarsare oo ka kala socday waddamada Maraykanka, Midowga Yurub, Ruushka iyo Qaramada Midoobay, lagagana hadlayay nabadaynta Bariga Dhexe.
ODHAAHDA AKHRISTAHA Wershada Korontada Dawladdu Kaligeed Ma Wadi Karto Maxamed Axmed Cabdi (Faxam)
Waxaan marka hore mahad naq u soo gudbinayaa shaqaalaha sida wadaniyada leh u Ilaashaday wershadooda oo maanta ay u darban tahay in laga faa’iidaysto, waanan waafaqsanahay inay hawlgasho, hase yeeshee dhaqaajinta iyo maamulida dambe Hay’ad Dawladeed ma wadi karto kaligeed, marka gun ahaan loogu daadago ugama faa’iidayn karto si nuxur leh sababtoo ah: qaaliban iyadoo waxa dawladdu uu u muuqdo waxaan cidi lahayn oo tadawurka danbe musuqmaasuq la timaada amaba cid loo nisbeeyo, u xog-ogaalnimana waa laga dheregsan yahay in dalkii la odhan jiray Soomaaliya ku burburay musuqmaasuq xad-dhaaf ah ka hor intaan gacanba loola tegin.
Haddaba, iyadoo halgankii loo galay in dalka Somaliland dib looga xoreeyo daaquudyadii in degitaanka dambe la sarjaro hawsha dawladdu ay gudashadeeda leedahay iyo in la saxo wixii maamul dawladeed si toos ah iyo mid dadbanba uga xumaatay, teeda kale shacbigu yeesho codka nolosha oo ay kaabayso tabaha suuragal ka dhigaaya xoriyadiisa dhinac kasta een shuruucda jebinayn markaas Illaahay mahadi ha ka gaadhee haddii aayihii loo halgamay lahayo, muddadii 10ka sano ahayd ee dalka la haystayna dawlad ahaan la gudoonsaday Hannaanka Ganacsiga Xorta ah oo muddadiiba shacbigu kaabayaasha nolosha ay astaysteen oo ay ka mid tahay Nalaynta Caasimada tamar kasta ha lahaadeene, iyagoo aan hagida farsamo ee nalgelinta magaalada aan ka helin hay’adaha qaabilsan oo jantaa rogan ugu shiniyeystay waayiro dab xambaarsan magaalada oo laf-ahaantoodu leh waxyeeladooda iyo tamar-la’aanta tayo ee mustaqbalkaas darteed haddii xiligani iyana ay dawladdu istaadhay wershadeedii si ay masraxa u soo gasho, islamarkaasina ay ifinayso xeesha ah inay leedahay (Ruug Cadaagii soo Rogaal ceil) oo ah dawladdu nalkeedii ayay daaraysaa, waxaan anigu aragti ahaan hoos ku muujinayaa inayna Shacbiga iyo dawladdu midkoodna keligii daari karin korontada magaalada, sababahani awgeed:- A- Asbaabaha ayna dawladdu u wadi karin laydh-galinta Caasimada 1. Dhaqaalaha dawladdu oo xilligani yar oo xataa ayna dabooli karin masaalix bulsho oo xasaasi ah sida biyaha, caafimaadka, Waxbarashada, Iwm. 2. Ganacsatada oo maalgelin xoog lihi kaga jirto nalaynta Caasimada oo ayna dawladdu cawil celintooda bixin karin xataa haddii ay ogolaadaan inay faraha kala baxaan. 3. Hay’ad dawladeed oo waqtiga dheer leex-leexasho maamul xumo aan laga waayin oo tayo gab ku habsato. 4. Shaqaale badan oo ka hawlgala wershadaha yar yar ee nalka ee shacbigu leeyahay oo shaqo la’aani ku habsato oo aayahooda in la sugo u baahan. 5. Dawladda oo muddo badan ay soo wajihi doonto makhaasiir baaxad leh oo muruq-maal iyo maamul oo aan hore loogu helayn wax soo saar dakhli oo daboola iwm oo caabiya. Haddii si calool adayg ah loo daboolana ay ilo kale oo lagama maarmaan ahaa ay awdmayaan oo beerka jecli xaydha jecli lala dala-dhici doono oo aakhirka miisaanku meel ku shalwan doono. Sidoo kale Ganacsatada wershadaha yaryar ee Nalaynta caasimada lehi ma wadi karaan Nalaynta sababo: 1. Iyagoon midaysnayn oo tamar iyo talo isla kaashan. 2. Iyadoo ganacsade waliba samaystay qiyaas deegaan oo uu iskii isagu iskugu qoondeeyay oo aan cid kale nalgelin ku samayn karin, qofka soonihiisa deganina uu ku qasban yahay inuu korontadiisa isticmaalo amaba uu dab la’aado. 3. Qiimaha nalka oo ganacsatadu gooyaan oo ku salaysan danahooda oo faa’iido weyn dadka laga helo. 4. Nabadgelyada oo dhaawacmi karta. 5. Caasimadda oo aan yeelan qorsho laydh-gelin oo midaysan oo waqtiga fog tayo gal noqda. 6. Matoorada ganacsatada oo aan awood nal bixin oo shacbigu si tayo leh uga faa’iidaysan lahayd oo dani kugu qasabtay u isticmaala sida Talaajado, Meheradaha Qaboojiyayaasha leh iyo hawl-maalmeedka, iwm. 7. Shaqo-galka wershadaha yar-yar ee Shacbiga ee laydh-gelinta caasimadda oo heer qoys ah oo aan heer bulsho ahayn. 8. Caasimadda oo 1da habeenimo wixii ka dambeeya tuulo isku bedesha, marka ay dadka matoorada lihi damiyaan. 9. Teeda kale maalintii wershadaha yar yari ee nalku way hurdaan oo shacbigu waxay isticmaalaan matoorada gaarka ah. Hadaba, haddii ay inoo muuqato inayna dawlada iyo shacbigu midkoodna keligii haqab-tiri karin tayo-galka koronto ee magaalada Hargeysa, waxaan soo jeedinayaa in xiligan la qaato:. 1. Waa in guddi heer qaran ah oo ay ku jiraan wasaarada H/guud, wasaarada ganacsiga, sidii loo qiimayn lahaa Hantida ay xanbaaraarsan tahay wershada xooga korontada, iyo dhammaan matoorada laydhka ee shacbgiu leeyahay, raasamaal ahaan baaxada dhaqaale ee mid kasta oo soonihiisa nalgelin ku fidiyay. 2. Waa in markaasi tallaabo daneed oo xukuumad ahaan iyo ganacsatada lihiba ay jilbaha is dhigaan sidii maslaxada Qaranka siiba Nal-galinta magaalada Hargeysa iyo hab-raaceeda oo aragti ahaan aan qabo (Bah wadaag) loo dejisto oo saami isku darsi lagu dhaqmo oo xeerarka khuseeya iyo hogaan midaysan oo gudiyeed bah-wadaag leh, iyadoo xooga muruq-maalna qaybsigooda la jaanqaadi doono saami-galka saamile kasta. Haddii Taladaas la qaato, waxa laga heli karaa faa’iidadani:- 1. In xukuumadu ka badbaado foos burbur dhaqaale oo si dahsoon uga hoos qul-qula oo ay dahaadho muraayad cagaarani. 2. Inay bogsadaan Shacbiga magaalada Hargeysa oo qiime goyn naleed oo midaysan ay helaan oo la jaanqaada tadawurka nolosha iyo ascaarta. 3. In caasimadu ka badbaado dhibaatada xadhkaha badan ee nin waliba ka lushay laamiyada oo ay iskugu soo ururto hal xadhig. 4. In caasimadu si qorshaysan oo tayo leh oo waqtiga dheer ugu jaan-qaadi karto nalgelinta magaalo oo hoggaan keliya leh. 5. In xukuumadu heli doonto dhaqaale badan oo kiishada ugu dhaca oo si dhib yar ugu soo qul-qula oo ay ku maamulato hawlaha badan ee fulinteeda looga fadhiyo (Saamigeeda Faa’iido oo Xoogan Dartiis) 6. In shacbigu ay u sugnaan doonto hanaanka ganacsi ee xorta ah oo saami-gal ay ka heleen wershadii xooga korontada oo hawlgalkoodii hore sidiisii ugu socdo oo faa’iido gal leh. 7. In nabadgelyada magaaladu ay sugmi doonto hogaanka maamul iyo cilada farsamo ee wershadeedba ay meel kaliya laga hagi doono, caasimaduna ay hadh iyo habeen ay koronto ku filan oo tamar iyo dhaqaale la isku geeyay darteed ay heli doon. Gebagabadii, waxaan qabaa in dawladdu xamilkeeda miisaamato oo xisaabtan qoto dheer ka yeelato hawlaha ay rabto inay ku kacdo siiba nalgalinta magaalada Hargeysa oo saaxada ay u qalab urursanayso waa hore laga hawlgalay oo loo baahan yahay in dhinaca walba laga eego culayska ay arrintu leedahay ee dhaqaale iyo saamayn Shacbiga, oo ay lagama maarmaan tahay in la xalilo intaan la helin madax banaani lagu muujiyo tamarta muruqeeda ee dawli ah, waxaanan qabaa in dani waa seete oo shacbi iyo dawladba waa in lagu qasbanaadaa, dawladdu si ku dhac leh u soo gogol fadhiisiso Shacbiga leh matoorada yaryar ee habeenka badhkii daara magaalada si loo wada qaato wixii la dhaafi kari waayo ee walaaltinimo iyo maslaxada ummada oo cid waliba meesheeda ka ilaaliso. Aragtidaydani waa mid aan toos u qabo inayna Shacbiga iyo dawladdu midkoodna gaarkiisa u shidi karin xiligan korontada magaalada si kasta oo mid waliba muruqiisa u muujiyo.
Beddelka Cali Xuunsho Yaan Lagu DegdeginLaba maalmood oo aan kala fogeyn ayaan midna ka xumaaday midna ku farxay waxyaabihii uu ku kacay mudanihii iga metelayey golaha Guurtida Somaliland.
Dhab ahaan waan ka xumaaday fool-xumadii uu ka geystey golaha Guurtida markii uu isaga oo wareersan ku gefey odayaasha Guurtida iyo madahsii shirka. Waxaan ku farxay inuu haddana ka dhaahiyey ama ka xaal-mariyey golaha wixii dhacay isaga oo mid mid iyo wadar ahaanba ka codsaday in raalli laga wada ahaado. Waan ku raacsanahay golaha inay fuliyaan wixii distoori ah ama anshax marin ah xeerhoosaad ah ee la xidhiidha arrinta mudane Cali. Waxaanse ka digayaa in wixii intaa dhaafsan haddii wax kale looga dan lahaa la sugo mawqifka cidda taladu ka go’do oo aan lagu degdegin bedel nin cusub ama qof aan hore ula socon wixii hore beeshu ay meel dhigatay. Axmed Xasan Jaamac (Sumuni), Hargeysa. Mudane Jiir Wuxuu Ahaa Igaga DarTixraac Haatuf, Issue 115, Isniin, July 15, 2002. Waxaan akhriyey maqaalkii ciwaankiisu ahaa “Mudane ka Tirsan Wakiillada oo u Badheedhay Inuu Jebiyo Sharciga Waddo-marista” oo xambaarsanaa nuxur ah in mudane sheeganaya inuu ka tirsan yahay golaha dhinaca awoodda ugu sarreeya dalka ee la yidhaahdo “golaha Sharci-dejinta” uu u xoog-sheegtay qawaaniinta u yaalla wado-marista ee muwaadiniinta caadiga ahi ay ixtiraamaan, isaga oo si indho la’aan ah u jiidhay nalka kala haga gaadiidka.
Haddaba, mudanayaashu ma wada sinna ee way isku soo gaadheen meesha. Mudanaha sidaa yeelayna (Mudane Maxamed Warsame Jiir) wuxuu ahaa igaga dartii! ama iga gee. Markaa waxaynu heli doonnaa mudane qawaaniinta aynu u igmanay dhawra. Sidaa darteed, waxaan leeyahay dawlad iyo shicib ilaaliya shuruucda yar iyoweyn, waynu gaadhi halkaynu higsanayno’e. Muuse Maxamuud Xirsi (Caraj), Hargeysa.
Madaxda Dawladda Hoose Waxay Ka Faa’iidaysteen Xiliga Kala Guurka Sideeba meelo badan oo dunida ka mid ay marka dal isbedel ka dhaco waxa xiliga kala guurka dayac-ma wax badan, waxaana dhacda inay masuuliyiinta qaarkood xiligaas oo kale si qaldan uga faa’iidaystaan awoodda xilka ay ummadda u hayaan.
Tusaale geeridii hogaamiyihii hore ee Somaliland marxuum: Maxamed X. Ibraahin Cigaal, inkasta oo jagadii uu baneeyey markiiba la buuxiyey, haddana waxa jirta masuuliyiin ka faa’iidaysatay xiliga kala guurka ee uu hogaamiyaha cusubi meesha qarbaqarbada ku yahay, ragaana waxa ka mid ah maayarka caasimadda Hargeysa, waayo marxuumkii waxa uu Cawl u soo ogolaaday inuu bacadlaha xisbiga 150 aqal uga dhiso dhulka banaan ee ku yaal dhinaca galbeed ee dhismaha guriga xisbiga, iyadoo dhismaha qabyada ah ee guriga xisbigana laga durkayo ilaa 50 M..
Hase yeeshee Cawl waxa u qorshaysnaa inuu halkaa ka dhiso ilaa 600 oo aqal, taas oo ah dhismayaal aad u fara badan oo aanay dani ugu jirin bacadlayaasha iyo bilicda meeshaba, waayo dhismayaasha faraha badani waxay luminayaan bilicda dhismah. Waxa kale oo adkaanayso sidii meesha loo magaalayn lahaa.
Laakiin waxay dhismaha tirada badan dani ugu jirtaa dawladda hoose, waayo qof kasta waxa laga qaadayaa 1300 U.S dollar, waxaana qandaraaska la siiyey dawladda hoose, taas oo ay lacag kala badh ku dhow ka faa’iidayaan, iyadoo marka 600 oo aqal lagu dhufto min 1300 ay tarranteedu noqonayso 780,000 dollar, waxaana halkaa ka muuqata inay dawladda hoose meesha ka helayso ilaa 390,000 U.S dollar.
Hase yeeshee waxa nasiib daro ah in waxba laga saamixi waayo ilaa 120 qof oo ah dad danyar ah oo bixin kari waayey lacagtaa, kuwaas oo maamulka sare ee dawladda hoose u cawday oo u sheegay inaanay haysan wax raasamaal ah oo ay iskaga bixiyaan lacagtaa, isla markaana ka codsaday dawladda hoose inay siiso qol dhisan oo hadhow marka ay awoodooda dhaqaale u saamaxdo ay la xeer noqdaan guryaha la dhisayo, laakiin iska daa wax loo qabto’e waxa dadkii danyarta ahaa lagula kacay xadhig iyo cago juglayn, waxaana khasab lagaga dhigay inay sandaqadihii yaryaraa ee ay maasaariifta kala soo bixi jireen laga dumiyo, ka dibna dhulkii ay deganaayeen lagu dul iibiyo, taas oo ninkii doolar haysta uun loo ogol yahay in wax la siiyo.
Sidaa darteed dadkii danyarta ahaa cidla ayey hoganayaan waxayna sugayaan in wax loo qabto, taas oo hadii ay masuuliyiintii dawladda hoose waxba u qaban waayeen, codkoodiina dhegaysan waayeen ay wax qabad ka sugayaan madaxweynaha iyo dawladda sare, waana inay dadka danyarta ah ee awoodi kari waayey inay guri dhistaan la siiyo meelo ay wax ku iibsadaan oo ay nolol maalmeedka kala soo baxaan, iyadoo loo baahan yahay in degdeg wax looga qabto dhul-boobka ka socda suuqa bacadlaha xisbiga. Mawliid Axmed Jibriil, Hargeysa
Dawladdu Ha IlaashatoBaayac-Mushtarka Wadaniga Ah Waxaan jeclahay inaan madaxda dawladda la socodsiiyo dhibaatooyinka haysta ganacsatada wadaniga ah iyo cidhiidhiga kaga yimaadda raasamaalka dadka ajnebiga ah ee yaal dalalka aynu jaarka nahay, taas oo meesha ka saartay ganacsatada wadaniga ah oo uu raasamaalkodu ahaa mid ka unkamay gudaha dalka ama ku samaysmay xoolo ay leeyihiin dad reer-Somaliland ahi oo la isu keen keenay.
Hase yeeshee intii ka dambaysay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland la soo noqotay xornimadeeda waxa dhacday in laga faa’iidaystay burburkii dhaqaale ee dalka ka dhacay, ka dibna uu inagu soo duulay dhaqaale shisheeye, dabadeedna uu cidhiidhi geliyey dhaqaalihii wadaniga ahaa ee soo korayey. Arintaasi dabcan may dhacdeen hadii ay jiraan qawaaniin iyo shuruuc dhiirigelinaya ganacsiga wadaniga ah, kana ilaalinaya wixii hagar-daamooyin ah ee kaga yimaadda debedaha.
Maanta marka la eego ganacsiga dalka gudihiisa ka socda waxa muuqata in raasamaalka ina dhex-mushaaxaya badankiisu uu yahay wax ay iska leeyihiin dad ka soo jeeda dalalka shisheeyaha, hadii ay yihiin dalalka aynu jaarka nahay iyo hadii ay tahay dalalka ka sii shisheeyaba. Arintaasina waa arin khatarteeda leh, waayo hadii dhaqaalaha laga qabsado wax kasta waa lagu marsiin karaa. Ujeedadaydu marna ma aha in la is hortaago maal-gelinta shisheeyaha ee waxtarka u soo jiidaysa dadka iyo dalkaba, laakiin waxaan u jeedaa inaanay Somaloland noqon meel aanay cidi lahayn oo inta laga urursado faa’iido weyn oo dhaqaale dalal kale oo shisheeye ah lagu maal-geliyo, iyadoo Somaliland aanay jirin meel maal-gelin uga baahi badani.
Ganacsatada wadaniga ah waxaan, iyaguna ku dhaliilayaa sida ay uga gabanayaan inay isbedel ku sameeyaan habka u ganacsadaan oo la moodo inuu yahay hab ku salaysan hab-dhaqankii hore ee ahaa inuu qof waliba keligii ganacsado. Habkaas oo aan maanta la tartami shrkadaha waaweyni ee ganacsi ee ka jira caalamka oo dhan, gaar ahaan gobolka aynu ku nool nahay. Waxa kale oo xusid mudan musuq-maasuqa ay ganacsatada qaarkood ku dhaqmaan ee dhibaatada ku haya dadka danyarta ah ee ku nool dalka Somaliland, iyadoo ay jiraan ganacsato ka qayb qaadata boobka dhulka danta guud.
Hadaba, maadaama ay jiraan waxyaalaha aynu soo sheegnay oo dhami, waxa loo baahan yahay oo lagama maar-maan ah inay ganacsatada iyo dawladdu iska kaashadaan sidii loo kobcin lahaa ganacsiga xalaasha ah ee wadaniga ah, heer kasta ha ahaadee, taas oo macneheedu yahay inay waajib tahay in ganacsiga Somaliland loo sameeyo al-baab laga soo galo, isla markaana ganacsiga dalka ka socda la wadaniyeeyo. Yuusuf Cabdi Haliil, Hargeysa
“Waan Awoodi Karayay Inaan Ciyaaro” Steven Gerrard England (AP) – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Steven Gerrard ayaa sheegay sababta uu dib ugu dhigay qalliin lagu samayn lahaa, si uu xumad-jebin ugu ciyaaro kulamada England ee koobka adduunka, taas oo dhibaatadii xanuunka ku sii kordhisay.
22-jirka ciyaarta fur-furaa wuxuu kaloo uu sheegay inaanu hubin inuu dhammaysan karayay dhammaan ciyaarihii wareega koowaad sidaa darteedna uu go’aansaday inuu gurigiisa ku negaado. Gerrard wuxuu ka cabanayaa inuu carqalad ku noqday dhaawacii ka soo gaadhay kulankii xilli-ciyaareedka ugu dambeeyay ee Liverpool yeelatay, kaas oo meesha ka saaray rajadii uu qabay. “Si cad ayaan u go’aansaday inaan isqalo koobka adduunka kadib,” wuxuu sidaa u sheegay warbaahinta dunida.
Gerrard wuxuu caddeeyay inuu ciyaari karayay kulamada qaarkood, balse aan taasi u suurtogelin. “Waan awoodi karayay inaan ciyaaro, laakiin kumaan kalsoonayn in saddexda kulanba aan ciyaari karayay waqtiga u dhaxeeya oo aad u yar darteed,” ayuu ku daray. Gerrard wuxuu qiray inuu jeclaa ciyaaraha, balse aanu hubin fulinta shaqada uu doonayo. Dhibaatada dhaawac ee Gerrard waxay noqonaysaa inuu kala doorto kulamada Liverpool marka la helo jadwalka isku-aadka, mararka qaar waxay keenaysaa inuu toddobaadkii kulan qudha ciyaaro. Hase yeeshee, wuxuu dareensanaa in xaaladda koobka adduunka aanay la mid ahayn ta England, taasina waxay ku khasabtay inuu quusto.
“Waxaan garwaaqsaday xaqiiqada dhaawaca aan qabo,” ayuu yidhi. Laakiin wuxuu muujiyay inay jireen ciyaartoy dhaawacan oo haddana ciyaaraha ka qaybgalay, wuxuuna yidhi; “David Beckham iyo Kieron Dyer si buuxda umay bogsan, waanan ogaa in ay halaag noqon lahayd haddaan si la mid ah yeelo, kadibna aan kala dhaco.”
Ciyaaryahanka dhallinyarada ah Gerrard oo laf-dhabar u ah Liverpool wuxuu muujiyay xaqsoor-xumo dhinaca doorashada ciyaartoyga ahi inay dhacday. Hase yeeshee, si weyn uma saafin boogta. Wuxuuse tilmaamay in laga tegay oo laga qadiyay fursaddii ay isku muujin lahaayeen ciyaartoy badan oo caafimaadkoodu dhammaystirnaa.
Ciyaartoyga England oo xaaladdiisa mid liidata lagu tilmaamay maalmo yar kahor markii la xulayay xulka England koobka adduunka uga qaybgelaya, sidaa darteed waxay dad badani hadalkiisan u qaateen mid is-miidaamin ah oo aan ka fekerayn aayaha England iyo Liverpool. Isaga laftiisu isma diidsiinkarayn xaqiiqada jirtay haddaanu go’aan guracan qaadanayn.
Is-Reebreebka Tartanka Horyaalada Yurub 2002/2003 Geneva (Reuters) – Horyaalada wadamada Wales, Northern Ireland iyo Irish ayaa laga reebay wadamada kooxahoodu horyaalada haystaan si toos ah uga qaybgelayaan wareega koowaad ee horyaalada Yurub. Sidaa darteed horyaalada saddexda wadan waxay ka mid noqonayaan wadamada kooxahoodu isreeb-reeb u soo gelayaan, iyada oo mid waliba marayso saddex wareeg oo mid waliba qoor-qabad (Knockout) yahay. Horyaalka Wales Barry Town waxay wada ciyaarayaan horyaalka wadanka Latvia ee Skonto Riga. Horyaalka Northern Ireland ee Portadown waxay wada ciyaarayaan kooxda haysata horyaalka dalka Belarusia ee Belshina Bobruisk.
Hoyaalka Irish-ka ee Shelbourne iyana waxay fooda is-darayaan horyaalka Jasiirada Malte oo lagu magacaabo Hibernians. Wareega koowaad ee tartanka isreeb-reebka kooxaha Yurub oo la ciyaaray 17 July iyo 24 July waxaa ku tartami doona 20 kooxood oo toban ka mid ahi u soo gudbayaan wareega labaad. 10-kaa kooxood iyo 18 kale oo si toos ah uga qaybgelaya isreeb-reebka ayaa isku haleelaya wareega labaad ee isreeb-reebka.
Tobankii kooxood ee kasoo gudbay wareega hore waxay wada ciyaarayaan 10 ka mid ah 18-ka naadi ee wareega labaad ku soo biiray, halka siddeeda kalena laba laba isu arkayaan, iyada oo kooxaha badiyaa wareega saddexaad u gudbayaan. Kulamada isreeb-reebka wareega labaad waxay kala dhacayaan 31 July iyo 2 bisha August. Kooxaha u soo gudba wareega saddexaad waxay gelayaan isku-aadka wareega koowaad ee tartanka kooxaha horyaalada Yurub oo la samaynayo 29 bisha August ee soo socota.
“Rivaldo Waa Furaha Horyaalka Barcelona Doonayso” Barcelona (Reuters) – Barcelona waa inay haysato furihii guusha ciyaaraha Brazil ee Rivaldo haddii ay doonayso inay ku guulaysato horyaalka Spain markii ugu horaysay tan iyo 1999. sidaa waxa Salaasadii sheegay xiddiga Holland Patrick Kluivert.
Rivaldo oo shan gool dhaliyay halgankii Brazil ugu jirtay hanashada koobka adduunka waxa heshiiskiisu ku dhammaanayaa dabayaaqada xilli-ciyaareedka 2002/2003. Ciyaartoygu wuxuu sheegay in sii joogistiisa kooxdu ku xidhan tahay hadba go’aanka ay qaadato. Guddoomiyaha Lazio Sergio Cragnotti ayaa toddobaadkii hore sheegay inuu aad u jecel yahay Rivaldo inuu qayb ka noqdo heshiiska ciyaaryahanka Gaizka Mandieta, iyada oo wararka dhinaca Spain ka imanayaana ay sheegayaan in Barcelona ka tashanayso kaalinta ay ka qaadan karto.
“Dadku waxay ka hadlayaan tegitaanka Rivaldo, laakiin waa ciyaartoy, waxaanan rajaynayaa inuu nala joogi doono,” ayuu yidhi Kluivert mar uu shir-jaraa’id ku qabtay garoonka tabobarka Salaasadii shalay. “Dhammaantayo waanu ognahay in haddii uu go’aansado kulanka aanay waxba ku qaadanayn. Waa arrin muhiim noo ah inaanu haysano ciyaartoy isaga oo kale ahi xulkan ku jiro,” ayuu ku daray. Koobkii ugu dambeeyay ee Barcelona hanatay oo ahaa Catalan Cup wuxuu ahaa sannadkii 2000, horyaalkana kumay guulaysan tan iyo sannadkii 1999. markaas oo Louis Van Gaal u horseeday horyaalka sannadkii labaad oo xidhiidh ah.
Tabobaraha Dutch-ka ah oo ku soo laabtay Nou Camp ayaa Kluivert filayaa inuu la soo noqday wadadii guusha.
“Dadku way ku saxan yihiin in koox Barcelona oo kale ahi aanay saddex sanadood waxba ku guulaysan. Waa inaanu wax weyn qabanaa xilli-ciyaareedkan,” ayuu raaciyay Kluivert. Kluivert wuxuu kaloo sheegay in Van Gaal yahay tabobare had iyo goor awood saara inuu wax uun ku guulaysto, iyada oo buu yidhi la gaadhay waqtigii guusha. Kluivert oo tabobarka la qaadanaya Arjantiiniga kooxda ku cusub ee Juan Roman Riquelme, ayaa sheegay inuu ciyaartoy fiican yahay, wax dhibaato ahna aanu kala kulmayn laqabsiga ciyaaraha kubadda cagta Isbaanishka.
Inkasta oo Rivaldo si weyn looga jecel yahay Nou Camp, haddana waxa jirta arrin aan xal lahayn oo ah colaad dhex taala isaga iyo tabobaraha shaqada ku soo noqday. Taas oo laga yaabo inay ku dhaliso in Rivaldo meel kale uga rogto. Hase yeeshee, waxaa jirta baqdin Barcelona ka qabto inuu ku biiro kooxaha Spain ee tartanka kula jira, taas oo haddii ay dhacdo dhabar-jab weyn ku noqonaysa kooxda Catalan-ka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa go’aanka arintan la filayaa toddobaadada soo socda.
|