Haatuf, Cadadki 119, July 21, 2002“Waxaanu Is-Tusnay In Dadka Isaaqu Raadinayaan Jaanis Ay Nagaga Aar-Goostaan”Garaad Abshir—Waraysi
Burco (Haatuf): Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah garaadada beesha Sool ayaa khamiistii toddobaadkii hore mar uu meel ka mid ah deegaanka Caynaba kaga qayb galay xaflad lagu caleemo-saarayey suldaan cusub, waraysi uu halkaa ku siiyey wargeyska Haatuf waxa uu kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin ciidamo cusub oo ay dawladda Somaliland dhawaan geysay degaamo ka mid ah gobolka Sool iyo qoddobo kale oo la xidhiidha dhinaca Siyaasadda.
Waraysigaa oo uu Garaad Abshir
la yeeshay Weriyaha Haatuf ee Burco, Liibaan Maaweel Shire, waxa uu
u dhacay sidan: J: Runtii arintaa ciiidamada aad iyo aad baanu uga xunnahay, Shacbiga degaankaasina aad buu uga kacay, waxaana loo arkaa dadka Siyaasadda kaga soo horjeeda Somaliland in ciidamo la dul keenayo oo sidaa lagu burburinayo nabad gelyada. S: Arintaa wax xidhiidh ah ma kala samayseen Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa?. J: Haa waanu ka wada hadalnay, wuxuuna naga ballan-qaaday Madaxweynuhu in la qaadi doono ciidamada. Laba jeer baanu wada hadalnay Madaxweynaha, mar keligay ayuu isagu ila soo hadlay, marna anaga oo ilaa 5 Isim ah ayaanu la hadalay, mar walbana waxa uu naga ballan-qaaday inuu ciidamadaa qaadi doono. S: Madaxweynuhu ma idiin sheegay sababta ciidamada loo geeyey meelahaa? J: Madaxweynuhu waxa uu sabab ka dhigay arin maalmo ka dhacday aagaas oo dhexmartay beesha Jaamac Siyaad (Dhul-bahante) iyo beesha Sacad-yoonis (Habar-yoonis), kuwaas oo rag iska dilay. Ballan ayuuse Madaxweynuhu naga qaaday inuu qaadi doono ciidamadaa. S: Madaxweynuhu miyuu idiin sheegay waqti cayiman oo la qaadayo ciidamadaa? J: Haa, waxa uu noo sheegay inuu laba maalmood ka dib qaadi doono, taas ayaana la sugayaa. S: Marka dhinac kale la eego ka qayb galkaagii shirkii Carta, ma waxa sababay khilaaf idiin dhexeeyey, adiga iyo Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland? J: Maya, anigu ma qabo inay taa tahay, waayo anigu waxba uma qabin Marxuum: Maxamed Ibraahin Cigaal. Laakiin aniga iyo rag oo ila mid ahiba waxaanu tirsanay siyaasiyan inaan cadaalad loo samaynayn dadka iyo beelaha aanu Madaxda u nahay, waxaanuna is tusnay in dadka u badan Somaliland (Isaaqa) ay ku jirto cadaawad ay u hayaan dadka aanu magaca wadaagno qabiil ahaan (Dhul-bahante), taas oo dadka Isaaqa ahi markii ay SNM noqdeen ee ay ka baxeen dalka, dhibaatooyinkii uu soo gaadhsiiyey rajiimkii hore ay wax kaga jireen dad ka mid ah dadka aanu odayaasha u nahay, sidaa darteed ay ku fekerayaan inay helaan jaanis ay kaga aargoostaan oo ku cadaadiyaan. Sidaa awgeed baanu anagu u diidnay oo aanu u khilaafnay Somaliland, isla markaana aanu wax uga dhisanay Puntland, laakiin ma ahayn khilaaf aniga iyo Ina cigaal uun na dhex yaal, waxaanan ogahay in dadka Reer-waqooyigu, kuwa aan ka soo jeedo iyo kuwa kaleba aanay kala maarmaan. Siyaasaduna marba weji ayey leedahay, markaa waa laga yaabaa in berito la isu garaabo oo la wada hadlo, la isuna soo noqdo. S : Garaad waa tii 1991-kii la heshiiyey ee la iska saamaxay wixii hore, Sidaana Somaliland lagu wada dhisay , markaa cadaawaddan aad sheegayso ee idiin muuqatay adiga iyo ragga aad sheegayso maxay tahay , bal na taabsii ?. J : Waa iska cadaan , runtii cadaawaddani dadka waaweyn ee siyaasiyiinta ahi way qarsan karaan, laakiin shacbigu ma qarsan karo. Waxay ku odhanayaan faqash baad tahay, faqash macneheedu waa qabiil, taas weeye ta aanu anagu diid-nay ee dhibsanay, iyaga ayaan u aqoon badiyaa dadka Isaaqa, inksata oo aanan jeclayn magacaabista qabiilka, haddana ilaa intii aan yaraa waxaan ka soo shaqeeyey Hargeysa, Burco iyo meelo kale, meel walbana madax baan ka noqday, cidi isuma dhaanto dadkan, laakiin waxa kale oo aanu diidanahay kala go’ Somaliya. S: Hadii aad diidan tahay kala go’ Somaliya maxaad uga baxday dawladdii Carta ee aad wax ka soo dhistay? J: Waa run waan ka baxay dawladdii Carta, sababta aan uga baxayna waxa weeye intii ay beeshaydu tagtay Xamar anigu maan tegin Xamar, markii aanu Carta ka nimina anigu debedda ayaan u baxay oo aan sannadkan ku maqnaa. Markaa labadii hawlood ka Garaad-nimo iyo ta baarlamaanka ee maamulka ayaan u arkay inaanan isku wadi Karin, sidaa darteed ayaan uga tanaasulay xilkii baarlamaanka, waxaanan ku wareejiyay Nin liiska igu xigay oo beeshayda ah.
Djibouti: Geerida GeneralYaabe Iyo Dareenka MucaaridkaKumuu ahaa Gen. Yaabe
DJabuuti (Haatuf): Janaraal Yaasiin Yaabe Galab oo hore u ahaan jirey taliyihii ciidamada booliska Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa habeenkii khamiistii ina dhaaftay ku geeriyooday cusbitaal ku yaal magaalada Jabuuti.
Janaraal Yaabe oo hogaaminayey inqilaab fashilmay oo uu ku doonayey inuu ku afgembiyo Xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle Diisambar 7, 2000, waxa uu geeriyooday, isaga oo ku xukuman xabsi 15 sannadood ah, ka dib markii ay dawladda Jabuuti maxkamad taagtay Inqilaankaa ka dib. Sida ay sheegeen warar arintaa ku saabsan oo naga soo gaadhay magaalada Jabuuti, xaaladda caafimaad ee Jananka geeriyooday beryahan dambe waxay ahayd mid ka soo daraysey, taasina waxay sababtay inay xaaladiisa caafimaad saamixi waydo in jeelka lagu hayo, waxaana loo gud-biyey cusbataalka uu hadda ku geeriyooday. Wararku waxay intaa ku dareen in jananka loo diiday inuu tago dhakhtar debedda ah, iyadoo ay wararka qaarkood sheegeen inuu u dhintay xanuun la sheegay inuu ka hayey Kelyaha.
Hase yeeshee sida ay tibaaxeen warar ka soo baxay dhinaca mucaaradka xukuumadda Jabuuti waxa jira shakiyo ku saabsan sababta geerida Janaral Yaabe, isla markaana mucaaradku waxay shaki geliyeen warka ay Xukuumaddu ka soo saartay geeridiisa ee ay ku sheegtay inuu u geeriyooday xanuun Kelyaha, waxayna mucaaradku ku doodayaan oo ay sabab uga dhigeen shakiga ay ka muujiyeen geerida janaraal Yaabe in diid-mada loo diiday inuu dhakhtar debedeed tagaa ay tahay mid muujinaysa in loo badheedhay dhimashadiisa, isla markaana iftiiminaysa in shaki ku jiro qaabka ay xukuumadda Geelle u werisay sheegista geeridiisa .
Janaraal Yaasiin Yaabe Galab iyo Madaxweyne Ismaaxiil Cumar Geelle waxay ilaa yaraantoodii ahaayeen saaxiibo isu dhow, meelna ku soo wada koray, taas oo ay yaraantoodii ku soo koreen magaalada Dirir-dhabe ee dalka Itoobiya, waxayna saaxiibtinimadoodaa ka soo bilaabatay xiligii caruurnimadu soo gaadhay ilaa Diisambar 2000, waqtigaas oo ay Geelle iyo Yaabe isku seegeen Inqilaabkii dhicisoobay ee uu Janankii geeriyooday xukunka kagala wareego Geelle.
Inkasta oo uu janaral Yaabe wax badan tirsanayey markii uu ku kacayey Inqilaabkaa, haddana taasi ma noqon fursad naruuro leh ee waxa uu ku waayey derejadii mudada dheer garbihiisa sudhnayd iyo mustaqbalkii Siyaasadeed ee uu higsanayey, wuxuuna ku dambeeyey xabsiga, k a dib markii laga adkaaday cutubyadii booliska ahaa ee uu hogaaminayey subixii uu Inqilaabka ku talaabsaday. “Waxa uu lumiyey saaxiibtinimo muddo dheer ahayd, waxa uu meel kaga dhacay walaal-tinimadii naga dhexaysay, wuxuuna u badheedhay dhagar aanan ka filayn”, sidaa waxa yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dadka Reer-Jabuuti kala hadlay idaacadda la iska arko (TV), wax yar ka dib markii uu dhamaaday Inqilaabkaa dhicisoobay, waxaana markaa Ismaaciil wejigiisa laga dareemayey waxoogaa iyo wel-wel iyo firka-nax ah oo u muuqday in dhul-gariirkaa yari kaga tegay dareenkiisa.
Dhacdadaasi waxay ahayd mid aanay dadka Reer-Jabuuti filayn, waxayna ku noqotay arin af kala qaad ah markii ay u cadaatay in saaxiibadii is jeclaa ee mudada dheer ul iyo diirkeed ahaa uu dagaal naxariis lahayni ka dhex holcay.
Dad badan waxay xusuustoodu dib u milicsatay halgankii wada jirka ahaa ee ay labadoodu ku qaadi jireen cidkasta oo mucaarad ku ah xukuumadda, kaas oo bilowday markii ay Jabuuti xoriyadda ka qaadatay mustacmarkii Faransiiska 1977-kii, socdayna ilaa iyo maalintii ay kala xabaalo seegeen ee 7/12/2000. Mudadii uu jirey iskaashigooda saaxiibtinimo waxa la sheegay inay ahaayeen laba saaxiib oo is far yaqaan oo sir iyo caad-ba laf dhuun gashay ku noqday mucaaradka, janaral Yaasiin Yaabe Galab oo, isagu markaa ahaa Taliyaha ciidamada booliska waxay taasi u soo jiiday cadaawad badan oo dadka dhexdiisa ah, laakiin waxay wax waliba xagga kale iska rogeen markii ay foodda is dareen Madaxweyne Geelle oo la filayey inuu noqon doono gacantiisa midig.
Si kastaba arintu ha ahaatee geerida janaral Galab waxa laga yaabaa inay furto su’aalo badan oo saamayn ku yeellan kara xaaladaha Siyaasadeed ee dalka Jabuuti oo awal horeba la ciir-ciiraysay duruufo Siyaasadeed iyo dhaqaale.
Melez Zenawi Oo La Siiyay Jaa’isadda Nabada Adduunka
Addis Ababa (W. Wararka): Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Melez Zenawi ayaa ku guulaystay Jaa’isada sare ee Golaha Nabada Adduunka (world peace council), iyadoo loo siiyay abaalgudka gacanta uu ka geystay hawlaha nabadda ee aduunka. Waxay ugu xuleen Mr. Melez Zenawi in sannadkan 2002 lagu sharfo Jaa’isada sare ee Nabada Adduunka hawlo nabadeed oo uu ka qabtay guud ahaan Afrika, gaar ahaan Itoobiya sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya.
Waxa , iyana qayb ka ahayd qiimaynta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ee Golaha nabadda adduunka kaalinta uu ku lahaa xal u helidii dagaalkii dhexmaray Itoobiya iyo Eretariya, ka qaybqaadashadiisii hawlaha dib u soo noolaynta dalka uu dagaalku Burburiyay ee Soomaaliya oo qayb ka ahayd hawlaha OAU-da ayaa iyana ka mid ahayd Kaalmaha lagu amaanay Melez Zenawi.
Golaha nabada adduunku waxa kale oo uu Melez Zenawi ugu daray wax qabadkiisa dhinaca nabadaynta Afrika ee khilaafyada ka jira Suudaan iyo dalalka ku xeerran harrada Weyn ee Victoriya. Ra’iisal Wasaare Melez Zenawi waxa Jaa’isada nabadda adduunka lagu gudoonsiin doonaa maalinta salaasada ee todobaadkan xaflad ka dhici doonta caasimada Itoobiya ee Addis-ababa waxaana xafladaas ka soo qayb geli doona marti sharaf ka kala imanaya dalalka Israa’iil, Filibiin, Jamhuuriyada Kuuriya iyo Kanada. Fikirada guddiga nabadda adduunka waxaa hindisay sannadihii lixdameeyadii Madaxweynihii hore ee Maraykanak J.F.Kennedy xiligii uu hayay talada dalkaa.
Jaa’isada nabadda adduunka waxaa hore ugu guulaystay Ronald Reagan Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Xusni Mubaarak M/weynaha Masar, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Israa’iil, Ishak Rabin
Maxaa Ka Socda Kililka 5aad Ee ItoobiyaWarbixin – Muuse F. Jaambiir oo ka soo laabtay socdaal uu ku tegay Kililka 5aad
Iyadoo dhawaan boqortooyada Sucuudigu xayiraadii ka qaaday dhoofka xoolaha dalka Itoobiya oo ka mid ahaa dalalka bariga Afrika ee hore xayiraadda loo saaray, ayaa waxa sannadkan la filayaa inuu ka bilaabmo soonka 5aad ee dalkaa mashruuc ballaadhan oo wax lagaga qabanayo adeegyada nolosha bulshada Reer-guuraaga u badan ee ku dhaqan gobolka Soomaalida Itoobiya. Isla markaana miisaaniyad sannadeedka dawladda deegaanka qoomiyadda Soomaalida Itoobiya ayaa inteeda badan loo qoondeeyey inay ku baxdo mashruucaa oo loogu talo galay in kor loogu soo qaado tayada nololeed ee dadka Reer-miyiga ah iyo xoolahoodaba.
Sida ay ii sheegeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo aan kula kulmay magaalada Jig-jiga, waxa la aasaasay xafiis cusub oo lagu magacaabo xafiiska iskaashatooyinka, kaas oo ka shaqayn doona sidii degaamada xoola-dhaqatada ah looga samayn lahaa iskaashatooyin xoola-dhaqato, loona bari lahaa shuruucda iyo xeerarka ku saabsan nidaamka iskaashatooyinka.
“Dawladda kililku, iyadoo ka turjumaysa Siyaasadda dawladda Federaalka Itoobiya, waxa la abuuray xafiis iskaashatooyin oo xoola-dhaqatada iyo xoola-dhoofinta ku saabsan. Markaa degmo kasta oo xoola-dhaqato ahba waxa loo samaynayaa iskaashato xoolaha ah oo ay ku jiraan dadka xoola-dhaqatada ahi”, sidaa waxa yidhi Wasiirka xanaanada xoolaha, beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee dawladda deegaanka qoomiyadda Soomaalida Itoobiya, Cumar Jibriil Faahiye oo aan wax ka waydiiyey arimaha mashruuca cusub ee dhinacyada xoolaha iyo beeraha loo qorsheeyey.
Cumar Jibriil, isaga oo arintaa ka sii hadlaya waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “ marka ay iskaashatooyinku dhamaystir-maan ee shuruucdooda loo dhameeyo waxa markaa u furan inay iskaashatadu xoolaha nool ee ay dhaqdaan ay wax kaga amaahdaan Baananka, oo sida ka beeraleyda ah ay beertiisu damaanad ugu tahay ay ka xoola-dhaqatada ahna xoolihisu damaanad ugu noqdaan”.
Cumar Jibriil waxa uu sheegay in iskaashatooyinkaa ka sokow la isku deyi doono sidii Reer-miyiga loogu sahamin lahaa hab ka furta guur-guurka si ay u noqdaan degaan, “ waxaanu ku talo jirnaa in la sameeyo meelo tijaabooyin ah si loo dejiyo Reer-miyiga, waxaana noo qorshaysan in meelahaa tijaabooyinka ahi noqdaan seerayaal, biyihii, caafimaadkii xoolaha, caafimaadkii dadka iyo adeegii waxbarasho ee dadka Reer-miyiga ah loo sameeyey”.
Wasiirku, waxa kale oo uu xusay in weli lagu guda jiro sahaminta meelaha ugu haboon ee laga dhigayo goobaha tijaabada ah. Hase yeeshee waxa uu sheegay in taas ka hor la samayn doono nidaam ay u dhan yihiin adeegyadii dadka iyo xooluhu oo la guur-guura qoyska reer-miyiga ah, isla markaana waxa taa barbar socda ayuu yidhi wacyi gelin guud oo iskaashatooyinka xoola-dhaqatada loogu iftiiminayo dhibaatooyinka xaalufinta deegaanka, si ay qayb uga qaataan ilaalinta iyo daryeelka deegaanka. Waxa kale oo wacyi gelinta qayb ka ah sidii ninka xoola-dhaqatada ah loo fahamsiin lahaa inuu si fiican ugu noolaado neefkiisa.
“Waxa muhim ah in ninka xoola-dhaqatada ahi ogaado inuu xoolaha, isagu leeyahay ee aanay, iyagu lahayn, isla markaana la tuso in ninka neefka nool dhaqdaa uu yahay hantiile la mid ah ninka daaraha dhaadheer ku leh magaalooyinka” ayuu yidhi Wasiirka xoolaha iyo beeraha ee dawladda deegaanka qoomiyadda Soomaalida Itoobiya. Mushkiladaha ugu waaweyn ee ragaadiya nolosha dadka Reer-guuraaga ah waxa ka mid ah biyaha, sidaa awgeed barnaamijkan waxa qayb ka ah sidii biyo loogu samayn lahaa degaamada xoola-dhaqatada iyo beeraleyda ee kililka 5aad.
Sida uu ii sheegay Eng. Cali Maxamed Xasan oo ka tirsan waaxda farsamada ee xafiiska biyaha ee dawladda kililka 5aad, waxa sannadkan 1995 ee taariikhda Itoobiya qorshaha ku jirta in degaamada kililkaa laga qodo ilaa 32 Ceel oo riigag ah. “Sannadkii hore ayaa la sameeyey sahan la xidhiidha dhinaca biyaha, sidaa aawadeed 32 goobood oo sannadkii hore la sahamiyey ayaa qorshuhu yahay in sannadkan ceelal laga qodo” ayuu yidhi Eng. Cali. Sida la sheegay ceelashaa waxa laga qodayaa sagaal gobol oo uu ka kooban yahay kililka 5aad ee Itoobiya, waxaana gobolka Jig-jiga oo ay ku taal magaalada Jig-jiga oo xarun u ah deegaanka qoomiyadda Soomaalida Itoobiya loo qorsheeyey in laga qodo 3 ceel.
Gobolka Dhagax-buur ayaa isna la sheegay in 4 ceel laga qodi doono, kuwaas oo laba ka mid ah laga qodayo deegaanka Gaashaamo Bari, midna laga qoadayo degmada Awaare, mid kalena degmada Dhagax-buur. Sidoo kale gobolka War-dheer ayaa isna loo qoondeeyey 5 ceel, gobolka Godey-na laba ceel, gobolka Fiiq waxa isna laga qodayaa 5 ceel, gobolka Liibaan waxa isna laga qodayaa 2 ceel, gobolka Af-dheer waxa isna loo qorsheeyey 3 ceel, gobolka Qoraxey 4 ceel ayaa isna loo qorsheeyey iyo gobolka Shinniile oo loogu talo galay in laga qodo 4 ceel.
Sida la sheegay qodista ceelashan lacagta ku baxaysa waxa lagu qiyaasay inay gaadhayso in ku dhow 200 Milyan oo lacagta Birta Itoobiya ah, waxaana sida la sheegay gacan ka geysanaya hayadaha samafalka caalamiga ah qaarkood.
Mashruucan oo u qaybsama laba weji oo kala ah: qorshe dhow iyo qorshe fog, waxa la sheegay inuu hordhac u yahay barnaamij cusub oo ku saabsan tayeynta khayraadka xoolaha iyo beeraha, oo ay dawladda dhexe ee Itoobiya ku dhawaaqday inay xoogga saarayso kobcinta khayraadka xoolaha iyo beeraha, isla markaana ay ugu baaqday maal-geliyayaasha gudaha iyo debedaba inay maal-gashadaan labadaa khayraad. Si ay taasi u suurta gashana waxay dawladda Itoobiya wax ka bedeshay shuruucdeeda maal-gelinta, waxaana la soo saaray shuruuc maal-gashi oo dhiiri gelinaysa maal-geliyaha, waxaanu Golaha wakiilada shacabka ee dawladda federaalka Itoobiya u fasaxay dawladaha qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya inay samaystaan xafiisyo maal-gelineed oo heer degaan ah iyo shuruuc dhinaca maal-gelinta ah oo ay ku saleeyeen baahiyahooda, balse uu shardigu yahay inaanay ka hor-imanayn sharciga guud ee maal-gelinta Itoobiya.
Taas ka sokow, waxa socda, qaarkoodna ay dhamaadeen sahamo lagu ururinayo guud ahaan-ba macluumaadka la xidhiidha khayraadka dabiiciga ah ee dal-weynaha Itoobiya, waxaana sahamadaas ka mid ahaa qaar hore loo sameeyey oo lagu dhamaystiray muuqaalka khayraadka dabiiciga ah ee xoolaha iyo beeraha ee deegaanka Somalida Itoobiya, iyadoo sahankaa macluumaadkii lagu soo ururiyey laga soo saaray buug qoran oo qofka maal-geliyaha ah u sahlaya ogaanshaha qaniimadda degaankaas.
Mashruucan hadda la bilaabayo ee ku saabsan dhinaca xoolaha iyo beeruhuna waxa uu ka Dhashay sida la ii sheegay sahankaa hore loo sameeyey. Marka la eego dhaqdhaqaaqa mashruucan oo aad looga hadal hayo degaankaa waxa muuqata in ay dawladda Itoobiya ay u soo jeesatay ka faa’iidaysiga ganaacsiga xoolaha nool, si ay taasi u suurta gashana la doonayo in marka hore la isku hawlo sidii uu caafimaadka xooluhu u noqon lahaa mid ay mar walba gacanta ku hayaan, taas oo macneheedu yahay in caafimaadka xoolaha si joogto ah loo daryeelo, loogana war hayo. Sidaa darteed, qaar ka tirsan masuuliyiinta dawladda kililka Somalidu waxay ii sheegeen in markii ugu horaysay degaamada xoola-dhaqatada loo diray dawooyin bilaash ah iyo kooxo caafimaadka xoolaha ah , taasina ay noqon doonto arin la joogteeyo.
Guud ahaan marka la isku soo xooriyo nuxurka barnaamijkan bilowga ah ee ku wajahan dhinaca xoolaha iyo beeraha, waxa uu gun-dhigiisu ku qotomaa sida ay ii sheegeen masuuliyiin kala duwan oo aan kala sheekaystay: · In wax laga bedelo baahiyaha guud ee dadka xoola-dhaqatada ah ku kelifa inay neefkooda tuuraan oo ay ku iibiyaan qiime kasta. · -In loo abaabulo dadka Reer-guuraaga ah qaab u suurta geliya inay ka gorgor-tami karaan sicirka ay ku iibinayaan neefkooda, taas oo macneheedu yahay inuu neefku sayladaha iibka ka yeesho qiime wax ku ool ah. · Iyo in dadka Reer-guuraaga ah loo abaabulo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen daryeelka iyo ilaalinta deegaanka. Arimahaasna cidda loogu talo galay ee bud-dhigga u noqonaysa fulintooda waxa weeye iskaashatooyinka lagu talo jiro in mustaqbalka dhow loo abuuro dadka xoola-dhaqatada ah, kuwaas oo la sheegay inay noqonayaan cidda ka gorgortamaysa ama la baayactamaysa ganacsatada ka xoolaha ka baayac-mushtaraysa.
“Qofkii Wax QabtayWuxuu Mudan Yahay In la Qiimeeyo…”Waraysi – G/Xigeenka Ururka SYS
Hargeysa (Haatuf) Ururka dhalinyarada S.Y.S. oo ka mida ururada bulshada ee ka dhisan Hargeysa ayaa qabta hawlo kala duwan oo ku wajahan dhinaca dhalinyarada oo ay ka mid yihiin waxbarashada ciyaaraha iyo la dagaalanka dhaqamada wax yeelaya mustaqbalka dhalinyarada.waxaqabadkii ugu danbeeyay ee ururkani waxay ahayd iyaga oo maalilntii khamiistii 18/72002 shahaado sharafeedyo gudoonsiiyey 10 shakhsi oo ay ku qiimeeyeen waxqabadkii ay ka gaysteen horeumarinta arrimaha bulshada ee somalilanld. Tsaas oo ay ugu magac-dareen “Abaal-marinta S.Y.S iyo shakhsiyaadka dalka.”
Sidaas darteed ayaanu arrimaha ka waraysanay gudoomiyie ku-xigeenka ururka SYS Maxamed Yuusuf Ibraahim oo faah-faahin ka bixiyay hawlaha uu ururku qabtay iyo sida ay kusoo xuleen 10 qof ee ay gudoonsiiyeen shahaado sharafeedka iyo waxa ay ku qiimeeyeenba.
Ugu horeyn isaga oo Maxamed ka Waramaya wax qabadka ururka oo la aas-aasay May 2000, wuxuu sheegay in ururku uu dadaal xoog leh u galay in dhalinyarada ay ka qaybqaataan hore u marinta dalka “waxaanu samaynay hawlo aanu ku dhiiri galinayno dhalinyarada oo ay ka mid yihiin dhinacyada ciyaaraha, waxbarashada iyo wacyigalin ku saabsan la dagaalanka dhaqamada wax u dhimaya dhalinyarada” ayuu yidhi isaga oo intaa ku daray inuu ururku sameeyay kooxo ka qayb qaata dhinaca ciyaaraha oo tartano kala duwani dhexmaraan mar uu si gaar ah uga waramayey shahaadooyinka ay gudoonsiiyeen shakhsiyaadka wax qabadka muujiyay waxa uu yidhi “Ujeedadayadu waxay ahayd inaanu Jaa’isad siino dadkii dalka wax u qabtay gaar ahaan dadkii wax ku soo kordhiyay dhinaca arrimaha bulshada waayo? Qofkii wax qabtay wuxuu mudan yahay in la qiimeeyo si loo dhiiri galiyo wax qabadka bulshada” isaga oo intaa ku daray inay 10kan qof u arkeen kuwii ugu waxqabadka weynaa dhinaca arrimaha bulshlada marka la eego.
“dadka wax qabtay intaan kuma eka oo aad bay u badanyihiin balse waxaanu ugu talo galnay inay Jaa’isadani ahaato mid joogto ah oo sanadkiiba mar la qabto” ayuu yidhi Maxamed. Tobankan qof ee shahaadooyinka lagu gudoonsiiyay xaflad ka dhacday Hotel Ambassador maalintii khamiistii waxa ay kala yihiin: 1-Prof: Saleeban M. Guuleed oo ku helay wax qabadkiisa waxbarashada sare isagoo ah Gudoomiyaha Jaamacada Camuud. 2- Edna Aden Ismaaciil oo ku heshay dhinaca caafimaadka. 3-Shahaado sharafeed lagu xusayo Marxuum; Maxamuud Cabdi Shide oo ahaa aabihii saxaafada xorta ah taasoo la gudoonsiiyay Shirkada NPP. 4-Masno foundation oo ku heshay waxbarashada gaarka ah waxaana la gudoonsiiyay Maxamed Faarax Buux. 5-candle light oo ku heshay daryeelka deegaanka waxaana la gudoonsiiyay Shugri Ismaaciil 6-Maansoor Hotel oo ah huteelkii ugu horeeyay ee casri ah ee laga dhiso Hargeysa 7-shirkada dhismaha Daryeel oo ku heshay dhisida dhismayaasha waaweyn ee casriga ah. 8-Ambassador Hotel oo ku helay dhinaca dalxiiska. Isaga oo ah Hotel casriya oo cusub. 9-Aamina Muuse Nuur oo madax ka ah qaybta ciyaaraha ee Unicef 10-Suuqa Idaacada ee Gebonimo waxaana la gudoonsiiyay gudoomiyaha guddiga suuqaas
Sarkaal Sare Oo Maraykan Ah OoMala-Awaalay Geerida Usama Bin Laden
Sarkaal sare oo ka tirsan hayadda sirdoonka gudaha ee Maraykanka FBI, qaybteeda loogu yeedho kas hortagga argagixisada ayaa la sheegay inuu jebiyey rikoodhka wardoonka ee saraakiisha maamulka Madaxweyne Bush, ka dib markii uu maalintii jimcaha dhowayd ku dooday inuu rumaysan yahay inuu Usama bin Laden dhintay.
Kaaliyaha agaasimaha hayadda FBI, Mr.Dale Watson ayaa sheegay inaanu sarkaasi hayn wax cadaymo ah ee taageeraya rumaysnaantiisa ah inuu dhintay Usama. “Waxaan anigu shaqsiyan rumaysanahay inuu Ninkaasi tegey oo aanu dib dambe inoola joogayn dunida” ayuu yidhi sarkaalka rumaysan inuu Usama Bin Laden dhintay.
Ereyada sidan oo kale ah ee ka soo baxa sarkaal sare oo sida Mr. Watson oo kale ahi waxa uu hurinayaa baadi-goobka maamulka Washington ee hubinta wararka tilmaamaya geerida Usama bin Laden oo ah ninka ugu horeeya dadka la baadigoobayo ee dunida, iyadoo loo aanaynayo inay dembiyo galeen.
Aragtida Mr. Watson waxay u kala qaybisay saraakiisha kulanka sharci fulanta ee maamulka Maraykanka laba qaybood oo dhinaca fekerka iskaga soo horjeeda. Madaxweyne Bush iyo saraakiil sar-sare oo la aragti ah ayaa diiday inay rumaystaan nolosha iyo geerida Usama bin Laden, midnaba. Madaxweyne Bushna, isaga oo arintaa ka hadlaya toddobaadkii hore waxa uu yidhi “Waxa laga yaabaa inuu nool yahay, haddii uu nool yahayna waynu heli doonaa, haddii aanu noolayna waynu helnay”, laakiin marka la eego maqnaanshaha cadaymo muujinaya dhimashada Usama ayaa mallayaasha qarkood ka dhigaya inuu nool yahay.
Saraakiil kale oo Maraykan ah ayaa, iyaguna ka fog aragtida Mr. Watson, wuxuuna mid saraakiishaa ka mid ahi yidhi “ Madaxa FBI ma rumaysnayn inay war-bixintiisu xadkaa gaadhayso, waayo wuxuu warka siiyey xubno tirsan oo FBI-da ah oo ay kulmeen”.
Sidii ay doonto arintu ha ahaatee warka uu uu Watson wuxuu markii ugu horaysay yididiilo geliyey maamulka Madaxweyne Bush, iyadoo dhinaca geerida Usama ay ahayd mid muran ka taagan yahay. Sida laga soo xigtay warar lagu qoray jariiradda la yidhaahdo Los Angles Times waxa la sheegay in dad aad ugu dhodhowaa Usama bin Laden inay joogaan meelo aad u fog fog oo u dhexeeya Xadka Afganistan iyo Baakistaan, halkaas oo la sheegay inay tahay meesha ugu weyn ee laga raadinayo xubnaha Al-qaacida. Shakhsiyaadka halkaa lagu arkay waa, kuwo aad daacad ugu ahaa Usama oo aan agtiisa laga waayi jirin, sidaa darteed waxa soo baxay feker odhanaya haddii uu nool yahay Usama bin Laden shakhsiyaadkaasi way la joogi lahaayeen oo kama ay maqnaadeen ilaa inta uu ka dhimanayo.
Waxa kale jira war dhawaan uu soo tebiyey weriye Carab ah oo sheegay in weeraradii cirka ee Maraykanku ku qaaday Afganistan ay sababeen in faliidh ka mid ah rasaastii la ridayey uu laabta waxyeelo ka gaadhsiiyey Usama. Warkan ayaa lagu tilmaamay inuu noqon karo mid raad raac yeelan kara, marka la eego tuhunka la xidhiidha geerida Usama.
Hase yeeshee saraakiisha meelaha muhimka ah ka joogta maamulka Maraykanka ayaa rumaysan in warka dhimashada Usama laga heli karo shebekadaha lagu dhegaysto Isgaadhsiinta sirta ah, waxayna u arkaan warka ka soo baxay sarkaalka FBI-da Maraykanka, Mr. Watson inuu yahay war uu shakhsiyan keligii iska rumaystay jiritaankiisa.
Abdul-Kalam Oo 90% KuGuulaystay Madaxweyna-Nimada HindiyaC/Casiis Axmed Muuse, New Delhi, Hindiya Saynis Yahanka Muslimka ah A.P.J.Abdul-kalaam ayaa doorashadii dhacday maalintii Khamiistii, ku guulaystay 90% halka uu helay ninkii la tartamayay Kishi Sagal 10% codadkii doorashadda. Doorashooyinkan oo ay ka soo qayb galeen ilaa 4896-qof oo ka kala yimi dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay dalkan Hindiya, waxa iyana codkooda dhiibanyey baarlamanka fadaraliga ah ee Hindiya.
Doorashadan ayaa ahayd tii ugu fududayd muddo 71-sano ah taariikhda doorashooyinka dalkan Hindiya, taas oo sabab u ahayd xisbiyada dalka India oo isku raacay in la taageero Abdul Kalam Waxaa lagu wadaa in uu madaxwaynaha cusub loo dhaariyo xilkaa maalmaha soo socda kahor inta aan faraha loo gelin hoogaanka dalka oo uu hayn doono muddo Shan sano ah. Qolyaha siyaasadda indha-indheeya ayaa sheegaya in doorashadan looga dan leeyahay sidii loo qaboojin lahaa colaada raagtay ee u dhexaysa Muslimiinta iyo Hinduuska.
Madaxawayne Abdul-kalaam ayaa waxaa kaloo la sheegaa in uu xidhiidh weyn la leeyahay kooxaha diinta Hinduuska iyadoo in badan lagu arkay goobaha ay ku cibaadaystaan Hinduusku.
Xillkan loo magacaabay Madaxwayne Abdul-kalaam ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid maqaar saar ah ee aanu Madaxwaynuhu ahayn mid saamayn weyn ku leh maamulka dalka iyo marka ay timaado go'aan ka qaadashada nabadda iyo colaadaha, inkasta oo la sheego in Madaxwaynayaashii hore qaar ka mid ah ay saamayn wayn ku yeesheen oo markaa waxa ay sheegaan la socodsiin jiray hadana waxaa lagu tilmaamaa taasi in ay ku xidhan tahay hadba Madaxwaynaha iyo xidhiidhka diineed ee u dhexeeya xulufada maamulka kula jirta.
Madaxwaynaha dalka Baakistaan Musharaf ayaa isaguna tahniyad ku jeeda guusha u soo hoyatay Madaxwayne Abdull-kalaam u diray isaga oo ka codsaday inuu isku dayo sidii uu u qaboojin lahaa colaada u dhexaysa labadda dal ee isku dadka iyo deriskaba ah.
Abdul-kalaam oo ay saxaafaddu ugu yeedho "Ninkii Saaruuqa ahaa" waxa uu ahaa la taliye xaga Sayniska ah oo la shaqayn jiray xukuumadii hore, waxa uuna door weyn ka ciyaaray horumarinta Hubka Niyukliyeerka, Dayaxgacmeedyadda. Aqoonyahan Abdul- Kalaam waxa uu si gooni ah ugu talaabsaday horumarinta sawaariikhda xambaarta Hubkaa sanadihii 93kii illaa uu ka fadhiistay shaqada sanadkii 2000ka.
ODHAAHDA AKHRISTAHA Toosinta Cadaaladda Ciidanka Waxa Laga Sugayaa Taliska Booliska Dawladda Somaliland waxay waqtigan ku hawlan tahay toosinta cadaaladda, sidaa darteed waxaynu ognahay inay xukuumadda Somaliland inay qaaday laba hawl gal oo ay mid ku fulisay garsoorka, midna ku fulisay dawladaha hoose.
Runtii hogaanka dalku wuxuu ku hawl galay rabitaanka bulshada Somaliland, waxaanu muujiyey inuu ka shidaal qaadanayo tabashooyinka bulshada, taasina waa horumar u siyaaday muwaadinka Somaliland, sidaas ayaana dawladdu maamulkeeda toosinta ugu samaysaa.
Sidaa awgeed hawl-galkan toosinta cadaaladda iyo garsoorka waxa lama huraan ah in lagu daro toosinta shaqada booliska, waayo boolisku waxay hayaan shaqada cadaaladda qaybta ugu mudan oo ah qabashada iyo baadhista dembiyada dhaca, taas oo ah albaabka koowaad ee ay cadaaladdu ka bilaabato.
Sidaa daraadeed taliska booliska waxaan ku dhiiri gelinayaa inuu toosinta cadaaladda ka soo bilaabo saldhigyada iyo goobaha dembi baadhista, haddii aad booliska tihiinna waxaad og tihiin in kala dambaytiina xagga shaqadu ay hadda aad u liidato, waayo waxaan goob joog ka ahaa dacwado fudud oo ka mid ah kiisaska saldhigyada booliska lagu xaliyo oo ka dhacay saldhigga dhexe ee Hargeysa, kiis oo xaq soorkiisa si xun loo maamulay. Mawliid Aadan Cumar, Hargeysa
Waxaan Moodayey Kaari Qaadku Dilooday, Laakiin Wuxuu Noqday Boolis Qaran Qoomiyadi waxay horumartaa marka qof kasta oo ka mid ah bulshadu, shicib iyo dawlad-ba uu iskii isu xilqaamo oo uu garto masuuliyadda iyo waajibka ka saaran ilaalinta, difaacidda, dayactirka, wanaajinta iyo ka shaqaynta danaha dadkiisa iyo dalkiisa.
Gaar ahaan waxa uu qofku ka midho dhaliyaa hawsha uu ku gudo jiro marka uu fahamsan yahay shuruudaha iyo waxa uu ku khasban yahay inuu la yimaado.
30-kii bishii Juun ee dhammaatay abaara 4:30 daqiiqo aniga oo ka soo baxay dalka Jabuuti ayaa waxaan soo gaadhay Xadka Somaliland, gaar ahaan xafiiska socdaalka ee Lawyacado, aniga oo dareemaya muxubo iyo xiise gaar ah, isla markaana ay shucuur wadanimo ii hayso dhulkayga hooyo oo aan muddo afar sannadood ah ka maqnaa, ayaa waxaan xagga dambe kaga biiray saf dheer oo ay taagan yihii dadka Somaliland.
Waxaan arkay nin dadka hortaagan, waxa uu Ninkaasi xidhnaa garan garbo googo’an, macawis kala dheer iyo kabo dacas ah. Wuxuu u ekaa nin jaadka dhadhan ku haya, waxaana guntiga ugu jirtay majin jaad ah oo furan, woxoogaana wuu taqsiin sanaa oo daanka ayuu ku hayey, afkiisana waxa lagu arkayey cagaarka jaadka oo debedda uga soo baxay.
Markii hore waxaan moodayey kaari qaadku dilooday, laakiin waxa uu noqday askari boolis qaran ah. Hase yeeshee waxaan sii yaabay markii uu haddana noqday masuulka xafiiskaba fadhiya ee dadka baasaboorada ka qabanaya.
Hadal iyo dhammaan shakhsiga noocaas oo kale ahi ee taagan albaabkii wadanka laga soo gelayey waxa uu astaan u yahay naanays xun oo qaranimada ku qurux badnayn, wuxuuna tilmaan xun ka bixinayaa hab-dhaqanka shaqada socdaalka iyo guud ahaan-ba anshaxa iyo asluubta shaqada xafiisyada dawladda, sidaa aawadeed astaanta noocaas oo kale ahi waxay wax u dhimaysaa waxa dalku doonayo inuu higsado ee waa in wax laga bedelo. Xasan Axmed Yuusuf ( Af-gaab), Hargeysa
Waxaan M/weyne iyo Ku-Xigeenkiisa Waxay soo nooleeyeen Yididiiladii DadkaWaxaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisaba ku hambalyaynayaa sida dhaqsaha badan ee ay u rumeeyeen balanqaadkoodii ahaa xagga garsoorka iyo cadaaladda, taas oo saakaba maxkamadihii iyo xafiisyadii dawladda hoose laydh qaboobi ka dhacayso dadweynihiina labadii horyimaadaaba isugu jawaabayaan maanta horteed dawlad maynaan arag iyo farxad iyo rayrayn dadka wajiyadooda ka muuqata, iyada oo aniga qudhaydu aan wax badan dareemay oo ka mid ah mudnaanshaha bulshada aadka ugu dhexjira. Waxaan mar labaad Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkaba ugu mahad naqayaa sida ay yididiiladii Shacbiga Somaliland u soo nooleeyeen.
Haddaba, iyadoo oo wax badan la qabtay waxaan u sheegayaa maamulka sare iyo intii wax toosinaysaba inay hadheen hawlo badani ha u daraadeen meelaha loo yaqaano waaxaha oo ay xukumaan gudoomiyayaal iyo ku-xigeeno oo haystaan niman la yidhaahdo joomitiro kooxdaas oo lagu xanto maayaradaba, iyagaa ka awood badan ama iyagaa maayarkii la keenaba majaro habaabiya kuwaas oo oo aan ilaa sidii dalka loo soo galay aan la taataaban oo ninba xaafad xuurto ku haysto.
Waxaana la ogyahay mushkiladaha dhulka ka dhaca inay iyagu kow ka yihiin waxaan aad u ogahay qodaxda weli dadweynaha ku taagani inay tahay kooxdaa aan kor ku xusay. waxa kale oo la hadal hayaa Xeer Ilaalinta iyo C.I.D-da inkastoo aanay gaadhsiisnayn cabashadoodu heer kuwaa hore ee aan kor ku soo sheegay u dhigma. M.M.Yaasiin (Dheeg) Golaha Guurtida Somaliland, Hargeysa.
Doorashada Ha laga Horaysiiyo Idaacad Gaadha Wadanka Oo Dhan Waxaan doonayaa inaan halkan kaga hadlo arin aad iyo aad muhiim u ha dadka Reer Somaliland ee debeda joogaana aad u dereen sanyihiin anaan ogeynse siday dadka guduhu u arkaan.
Arintaasi waa Idaacadda aan wadanka wadagaadhin, arintaa waxaan u aragnaa in wadanka Idaacad wada gaadha loo laaridiyo intaan doorashada la gelin, sidaad ogtihiin Radio Hargeysa lagama dhegaysto laga bilaabo Berbera iyo magaalooyinka ka shisheeya, iyadoo barnaamijyo faa’iidooyin fara badan oo cilmi iyo aqoon kordhsi leh laga siidayo radio Hargeysa.
Laakiin waxaan filayaa in ay dadbadani oo réer Somaliland ahi ka qatan yihiin Idaacada oo aan maqalkeedu gaadhin darteed.
Waxaa kale oo aad ogtihiin in aanu wadanku lahayn TV ama telivision, markaa sidee dadka aanu gaadhin Radio Hargeysa ula soconayaan marka foodka la tirinaayo ama marba halkay markayso tiro koobka iyo xisbiga hogaaminaaya. Waxa laga yabaa dadka qaarkii in aanay haday wax soo kordhaan foodka gudihiisa aanay iyagu ogaan waxa soo kordhay. Jaamac M. Aadan ( Jaamac-qoodaar )
WAADIGA CIYAARAHA Tartamayaasha Manchester Oo Laga Hubinayo DaroogoManchester , England (Reuters) – Xidhiidhka tartamada Commonwealth-ka (CGF), ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshe loogu talogalay kahortaga isticmaalka daroogooyinka firfircoonida geliya muruqyada ee tartanka xagaagan.
Wakiilka dawlada UK u qaabilsan ciyaaraha ayaa qandaraas ku qaatay barnaaminka lagu baadhayo isticmaalka daroogada, wuxuuna xidhiidhinayaa tartanka Manchester 2002 iyo guddida isku dubaridka tartanka.
Ilaa (4,000) oo ciyaaraha fudud ah oo ka socda 72 wadan ayaa ku tartamaya kulankii ugu weynaa ee ciyaaraha ah oo ka dhaca UK. Madaxa ciyaaraha UK oo siyaasadeedu tahay mid si caadi ah ula dagaalanta daroogada ayaa siyaasad heer qaran ah ka dhigtay, iyada oo qaaday mas’uuliyadda dabogalka iyo baadhista meel kasta oo ka mid ah 17-ka goobood ee lagu qabanayo ciyaaraha. Iyada oo durba la bilaabay abaabulka horjoogayaal ka qaybgelaya barnaamijka baadhista tartamayaasha.
Xidhiidhka tartamada Commonwealth-ka ee Manchester 2002 iyo ciyaaraha UK ayaa si wada-jir ah u xoojiyay kahortaga sidii si xor ah ciyaaraha loogu isticmaali lahaa daroogada.
Madaxa fulinta (CGF) Michael
Hooper ayaa talaabadaa daboolka ka qaaday, wuxuuna yidhi; “Waxaanu qaadnay
tallaabooyin dhammaystiran oo lagu baadhayo tartamada, iyada oo farriin
adagna loo diray dhammaan tartamayaasha, gaar ahaana kuwa lagu tuhunsan
yahay inay si khiyaamo ah billado ku qaadeen.”
Xidhiidhka ciyaaraha UK ayaa hormood ka ah dedaal weyn oo la doonayo in si caalami ah looga hortago fiditaanka isticmaalka khiyaamada ah ee daroogada firfircoonida ku kordhisa ciyaartoyga. Tartanka Manchester waa kii ugu horreeyay ee ay ka hawlgalaan hay’ada kahortaga daroogada (WADA) tan iyo markii la abuuray.
Heshiis ay gaadheen wadamada (CGF) ayaa ogolaaday in WADA halkaa u soo dirato koox goob-joogayaal madax-bannaan ah, si ay ula socdaan baadhitaanka laga samaynayo Manchester.
Bolton Oo Difaaci Kari Waayey Horyaalka Orodka 100 M. Manchestar, England (Rueters): Orodyahanka haysta horyaalka 100 Mitir ee wadamada Barwaaqa sooranka , Mr. Ato Boldon ayaa xaqiijiyey inaanu difaacan karayn horyaalka Manchestar horyaalka hadda ka dhacaya diyaar garow la’aan darteed.
Orodyahanka mooralka fiican ee u Dhashay jasiiradda TRINIDAD iyo TOBAGO ayaa gudoonsaday inaanu mar labaad tartamin xiligan, ka dib markii uu itaal daro muujiyey orodo dhawaan dhacay. Ato Boldon oo billadii dhahabka ahayd ku guulaystay afar sannadood ka hor tartankii ka dhacay Maleesiya ee uu yidhi “Ma ihi mid qaab ahaan diyaarsan, sidaa darteed ayaan door biday inaan sannadkan halkaa ku joojiyo”.
Boldon tartankii ugu dambeeyey ee uu ka qayb galay waxa uu 12-kii bishan ka dhacay magaalada Rooma , hase yeeshee wax guul ah kama uu gaadhin , Inkasta oo uu horaantii sannadkan rikoodhkiisii ugu fiicnaa ahaa 1.23 seken , haddana 28 jirku natiijadii ug weynayd ee uu gaadhay waxay noqotay kaalinta afraad .
Orodkaas oo ka dhacay dalka Faransiiska ayuu orodyahanku ka cabanayey dhibaato cidhibta ka haysatay. Tababarihiisa John Smith ayaa sheegay inuu waqti yar u helay tababarka xiligan, sidaa darteedna loo baahan yahay inuu orodyahanku isu diyaariyo tartamada sannadka dambe ee 2003.
Boldon ayaa isna ku talo jira inuu u diyaar garoobo horyaalka Baariis ee sannadka soo socda. Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Sayladda Ciyaaraha YurubHar (Haatuf):- Warar rasmi ah oo ka soo baxay kooxda Liverpool ayaa sheegaya in ay diyaarisay socdaal waddanka Germany ah oo ay Bayer Munich kagala soo xaajoonayso xiddiga dhallinyarada ah ee England Owen Hargreaves. Arsenal ayaa dhinaceeda ka doonaysa ciyaartoyga, balse Liverpool ayaa ku saamayn weyn hanashada ciyaartoyga.
Maamulaha Blackburn Graerme Souness ayaa diyaarinaya sagaal milyan oo gini oo ay Chelsea kaga iibsanayso ciyaartoyga Eidur Gudjohnsen. Souness wuxuu aragtidiisa ku jiheeyay ciyaartoyga reer Ireland, kadib markii ay ku guulaysteen hanashada Dwight York. Chelsea waxa kale oo ay sugaysaa dalabka lacag dhan 20 milyan oo gini oo ay ku doonayso weeraryahanka Jimmy Floyd Hasselbaink. Kooxda Arsenal ayaa ku guuldaraysatay inay gacanta ku dhigto kabtan Cafu, taasina waxay keentay inay baayacdo difaaca Tottenham ee Stephen Carr.
Tore Andre Flo, ayaa ka fanjeedinaya kooxda Rangers, maamulaha kooxda Alex Mc Leish ayaa u dhegtaagaya cid ka dalbata weeraryahanka Norway oo 25 gool u dhaliyay xilli-ciyaareedkii hore. Udinese ayaa ugu horraysa kooxaha dalabka u soo qortay, inkasta oo ay kala badh ku baayacday qiimihii laba sannadood kahor ay ku soo iibsatay oo ahaa 12 milyan oo gini. Maamulaha Spurs Glenn Hoddle, ayaa isna daawanaya halka dedaalkaasi ku soo xidhmo.
Kooxda Parma ayaa u babac-dhigi weyday oo lacag ku doonaysa difaacyahanka Fabio Canavaro, iyada oo aan ciyaartoyga laga garoocan qiimaha ay hadda siiso oo ah 2-8 milyan oo gini, oo mushahaar ah. Juventus iyo AC Milan ayaa labaduba xiisaynayaan 26-jirka, balse labaduba waxay ka biyo-diideen mushaharkiisa oo badan.
Barcelona iyo Real Madrid ayaa labaduba doonaya inay ku xoojinayaan difaacooda, labada naadiba waxay soo dhawaynayaan difaacyahan sidaas oo kale ah, balse ma cadda in ay sicirkaa adag ku gelayaan. Maamulaha Everton David Moyes oo hore u iibsaday saddex ciyaartoy ayaa hadda u diyaar ah iibsashada difaaca Ibraahim Siciid, Rodrigo oo reer Brazil ah, iyo goolhayaha Slovakia Kamil Contofalsky, Moyes wuxuu isku deyayaa inuu lacag jaban ku helo dhammaan ciyaartoyga saddexda ah.
Kadib markii ay amaah ku heshay ciyaaryahanka khadka dhexe Gaizka Mandieta ayuu tabobaraha Barcelona doonayaa xiddiga koobka adduunka ee Germany Bernd Schneider. Bayer Leverkusen ayaa ku dhawaaqday inay iibsanayso ciyaartoyga khadka dhexe.
Schneider, ayaa hore u sheegay inuu u tegay keliya koox xoog weyn oo reer Yurub ah. Haddii kale Barcelona waxay ku leexanaysaa ciyaartoyga Hasan Sas ee Galatasaray.
Kooxda Aston Villa ayaa ku talojirta inay la soo wareegto ciyaartoyga kala ah; xiddiga Japan ee Shinji Ono, oo Feyenood u ciyaaraha. Sidoo kale waxay ku taamaysaa xiddiga Koonfur Afrika ee Macbeth (Kheto) Sibaya. Ciyaartoyga khadka dhexe waxa kale oo doonaya kooxaha Brescia, West Bron iyo Liverpool. Arsenal ayaa ku dedaalaysa sidii ay Nwankwo Kanu ugu beddeli lahayd weeraryahanka ay isku dhalashada yihiin ee Julius Aghahowa, Kanu waxay u dhawdahay inuu Faransiiska u guuro. Tabobaraha Inter, Cuper ayaa ku talo-jira inuu la soo wareego Argentiiniga Killy Gonzales, kadib markuu ku guul-daraystay hanashada Nesta.
Ciyaartoy iyo lacag isku jira ayuu diyaar u yahay inuu ku beddesho Gonzales oo qiimihiisu gaadhayo 18 milyan oo gini. Weeraryahanka reer Sierra Leane Mohamed Kallon ayaa isna dhinaca kale u hayaamaya. Westham iyo Spurs ayaa u tartamaya iibsashada weeraryahanka Maraykanka ah ee Landon Donovan oo ka tegaya Bayer Leverkusen.
Lazio ayaa oggalaatay in Hernan Crespo u wareego Manchester United. Kooxda Roma oo hadda lagu leeyahay 66 milyan oo gini, waxay doonaysaa inay Manchester Crespo ku siiso lacagtii ay kaga iibsatay Jaap Stam, oo ay ku lahayd.
Taa macnaheedu waxay noqonaysaa in Manchester Crespo ku hesho 31 milyan oo gini. Crespo wuxuu caawinayaa Ruud Van Nistelrooy oo ay isku qaab u ciyaaraan.
Lazio ayaa ku fara-adagaysa kabtanka Alessandro Nesta markay ku cimro-qaadatay xaaladda Ferdinand.
Faaco oo 3-1 kaga adkaatay FineHarg (Haatuf):- Kooxda Kubadda cagta ee FAACO, ayaa 3-1 gool kaga adkaystay naadiga Fine oo ay wada yeesheen ciyaar ka tirsan tartanka xaafadaha Hargeysa oo in muddo ahba ka socday garoonka 31 May.
Ciyaarta dhexmartay labada kooxood ee FAACO iyo Fine oo ahayd mid loogu soo baxayay wareega kama-dambaysta ayaa ahayd mid aad u xiiso badan oo dhinac kastaaba soo bandhigay farsamadii ugu dambaysay. Kooxda FAACO oo ay u saftaan ciyaartoy waayo-arag ku ah kubadda cagta si weyna looga yaqaano fagaarayaasha caasimada ayay u suurtogashay inay ka faa’iidaystaan inta badan fursadihii ay heleen waqtigii ciyaartu socotay. Halka inamada kooxda Fine oo aan iyaga qudhooda dedaalkoodu yarayn ay iska lumiyeen dhawr fursadood oo goolal noqon karaysay.
Ciyaaryahanada kala ah, khadar Shafay, Diito iyo Khadaaro oo dhammaantood hore ugu safan jiray NPP ayaa kala dhaliyay goolasha ay FAACO ku badisay. Dhinaca Fine waxaa goolka madiga ah u saxeexay ciyaaryahanka Farxaan oo ka tirsan xiddigaha ugu cad-cad ee ciyaartoyga Hargeysa.
|