Haatuf, Cadadki 120, July 22, 2002 Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta Socdaal Ku Tegaya Itoobiya Maxaa ka mid ah Ajandayaasha ka wada-hadlayaan labada dhinac
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta u amba-baxaya xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, Sidaana waxa Haatuf u xaqiijiyay Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdi Idiris Ducaale.
Sida uu Afhayeenku sheegay mudane Rayaale waxa booqashadiisa ku wehelinaya: Marwada Koowaad Marwo Huda Barkhad, Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Mudane Maxamed Siciid Maxamed (Gees) iyo Mudane Rashiid X. Cabdillaahi, Guddooniyaha Baanka Cabdiraxmaan Ducaale, La-taliyihiisa arrimaha Milateriga, Afhayeenka Madaxtooyada iyo xubno kale oo ka tirsan Madaxtooyada. Waxayna booqashadiisu ku xidhiidhsan tahay martiqaad hore oo uu ka helay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, dabayaaqadii bishii May, wax yar uun kadib markii uu xilka la wareegay.
Dhinaca kale, War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeen u hadlay Wasaarada Warfaafintu ayaa sheegay in kulanka labada dhinac yeelan doonaan lagu gorfayn doono arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabadgelyadda, isla markaana ay labada hogaamiye sii cusboonaysiin doonaan heshiiskii labada dhinac kala saxeexdeen, si qoto dheerna la isula meel dhigi doono iskaashiga ganacsiga, Isgaadhsiinta, warfaafinta, Waxbarashada iyo caafimaadka.
Waxa kale oo war-saxaafadeedkaa lagu sheegay in labada hogaamiye ee Itoobiya iyo Somaliland isla eegi doonaan kaalinta ay Somaliland kaga beegan tahay Midowga cusub ee Afrika, iyadoo uu dastuurka Midowga Afrika dhigayo in dalkasta loo aqoonsado xuduudihii uu ku sugnaa xilligii hanashada Gobanimada, kaas oo warku sheegay in saldhig u noqon doono aqoonsiga Somaliland doonayso. Socdaalkani waa kii labaad ee uu dibadda ugu baxo, tan iyo intii uu Madaxweyne-nimada la wareegay, waxana uu socdaalkiisii kan ka horeeyay ku tegay dalka Djabuuti bilowgii tobankii cisho ee u dambeeyay bishii hore ee June.
Booqashadaas waxa ka Dhashay Heshiis dib loogu soo celiyay xidhiidhka labada dal Somaliland iyo Djabuuti oo aad u xummaa muddo laba sannadood ah oo ku siman Shirkii Carta ee Djabuuti martigelisay.
Itoobiya Oo Bilaabaysa Dhoofinta Xoolaha Nool Somaliland dani ma ugu jirtaa fursadda xayiraad ka qaadida xoolaha Itoobiya?
Tabaabushe la xidhiidha sidii loo bilaabi lahaa ganacsiga dhoofka xoolaha loo diro dalalka Khaliijka, gaar ahaan Boqortooyada Sucuudiga, ayaa beryahan dambe ka aloosan deegaanka kililka 5aad ee Itoobiya, isla markaana dawladda deegaanka Qoomiyadda Soomaalida Itoobiya iyo Federaalka, ayaa iyana xoogga saaraya sidii ay uga midho-dhalin lahaayeen qorshe ganacsi oo xoolaha loogu dhoofinayo dalka Sucuudiga, taasina waxay ka dambaysay markii ay dhawaan Boqortooyada Sucuudigu xayiraadii dhoofka xoolaha ka qaaday dalka Itoobiya oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ee hore xayiraadda loo saaray xoolahooda, kuwaas oo badidooda dib looga fayday xayiraadaas, dalkii hore laysugu odhan jiray Soomaaliya oo ay weli saaran tahay mooyaane.
Go’aanka dawladda Sucuudigu xayiraadii dhoofka xoolaha kaga qaaday Itoobiya, wuxuu yididiilo geliyay guud ahaan dalka Itoobiya, gaar ahaan bulshada kililka 5aad oo ah dad xoolo-dhaqato u badan. Sidoo kale waxa naruuro u arkay go’aankas, bulshada kale ee Soomaalida ah ee ku dhaqan mandaqadda Geeska Afrika ee noloshoodu sida aadka ah ugu xidhnayd ganacsiga dhoofka xoolaha, sida Somaliland oo kale.
Inkasta oo ay muddo yari ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay xayiraad ka qaadista dhoofka xoolaha Itoobiya, haddana waxa jira dedaal xoog leh oo loogu xusul-duubayo sidii ay Itoobiya u bilaabi lahayd dhoofkii xoolaha. Siday sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo laga soo xigtay illo xog-ogaal ahi, ganacsatada Itoobiyaanka ah ee ganacsiga dhoofka xoolaha danaynaysa, waxaa ka mid ah Al-Camuudi oo ah maal-qabeen Itoobiya-Carab ah iyo maal-qabeeno Carbeed oo kale oo uu ka mid yahay nin lagu magacaabo Al-Xusayni.
Sida la sheegay Al-Camuudi oo ku Dhashay Gobolka Wallo ee dalka Itoobiya, wuxuu la wareegay hay’ad hore dawli u ahayd oo lagu magacaabi jiray “Hay’adda Hillibka Itoobiya” Hay’adaasina waxay ku lahayd Kililka 5-aad ee Soomaalida Itoobiya xarumo dhawr ah, kuwaas oo la filayo in lagu wareejin doono. Ganacsade Al-Camuudi oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay maal-qabeenada Maal-gelinta ugu badan geliyay Itoobiya mudooyinkan dambe, waxaa la filayaa inuu ka bilaabo deegaanada Kililka 5-aad hawl-gal xoolo iibsi ah, si uu u dhoofiyo. Ganacsato carbeed oo kale, ayaa iyana la saadaalinayaa in ay ka bilaabaan Kililka 5aad dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo ay xoolo ku iibsanayaan. Dhammaanba xubnahan ganacsatada ahina, waxay wax ku dhoofinayaan Nidaamka caadiga ah ee xoolo-dhoofinta oo ah in xoolaha la dhoofiyo iyagoo qallan, kaas oo ay wakhtigan-ba si caadi ah u dhoofiyaan.
Xubno dhawr ah oo ka tirsan Masuuliyiinta dawladda Kililka 5-aad oo aan arrintaas kala sheekaystay, waxay ii xaqiijiyeen in dawladda Kililka iyo ka Federaalkuba ay doonayaan in dhakhso loo dhaqaajiyo ganacsiga dhoofka xoolaha, Al-Camuudina uu ka mid yahay ganacsatada Muwaadiniinta ah ee ka qayb-qaadanaya. Sida muuqata weli lama soo bandhigin qorshe cad oo ku saabsan Siyaasadda Xoolo dhoofinta Itoobiya, hase yeeshee waxaa la rajaynayaa in ay taasi dhakhso u soo if-baxdo.
Xubnaha ganacsatada Carbeed ka sokow, ma muuqdaan ganacsato Kililka 5-aad u Dhashay oo weli u soo ban-baxay in ay ka qayb-qaataan ganacsiga dhoofka xoolaha, laakiin siday ii sheegeen Saraakiil dawladda ka tirsani, waxaa socda qorshayaal ay ganacsato ku abuurayaan shirkaddo ganacsiga xoolaha ah, balse taasi maaha mid shilis, sidaa aawadeedna waxaa laga tebayaa deegaanka Soomaalida Itoobiya, ganacsato waaweyn oo u dhalatay Jiidaas, balse fadhigoodu yahay Somaliland, kuwaas oo ka mid ah ganacsatada xoolaha dhoofisa ee caanka ka ah mandaqadda. “Ganacsatada Somaliland joogta ee Kililka u dhalatay, waa in ay ka soo qayb-galaan ganacsiga dhoofka xoolaha, si ay suuqa ugula tartamaan ganacsatada Kililadda kale ee Itoobiya.” Fikraddani waa mid ay badi ku dooddayaan qaybo badan oo bulshada Soomaalida Itoobiya ah oo aan la kulmay. Muhiimadda ugu weyn ee ay taa ka leeyihiina, waxa weeye in faa’iidada iibka xooluhu ay noqoto mid wada gaadha Soomaalida deegaanka oo ay ka faa’iidaystaan ka iibsanaya, ka laga iibsanayo iyo dilaalka u dhexeeyaaba. Sidaa aawadeed, marka ganacsadaha Kililka 5-aad iibsanayo xoolaha, inta u shaqaynaysaana waxay noqonayaan Soomaali. Laakiin marka uu ganacsade Kilil kale oo Itoobiya ahi iibsanayo xoolaha cidda u shaqaynaysa, dilaaliintiisa iyo gaadiidkuba waxay noqonayaan qaar badi ka soo jeedda Kililkaa kale, taasina waxay dhaafinaysaa Soomaalida Itoobiya faa’iido badan. Sidaa daraadeed, taasi waxay dhalisay in laga tebo Kililka 5aad ganacsatada u dhalatay ee hadda ku sugan Somaliland.
Dhinaca kale, siday ii sheegeen Masuuliyiin iyo aqoonyahano kala duwan oo u Dhashay Kililka 5-aad oo aan kula kulmay magaalada Jig-jigga, ganacsigan dhoofka xoolaha ee hadda laga aloosayo Itoobiya, waxay ku tilmaameen inuu uga faa’iido wanaagsan yahay, habkii hore ee ganacsatada Soomaalidu xoolaha uga soo iibsan jirtay xoolo-dhaqatada Kililka 5aad.
“Waxaa shardi noqonaysa inuu ninka ganacsadaha ahi, xoolaha ku iibsado lacagta Birta ah, taasina waxay sababaysaa in lacagta Birtu ku faafto deegaanada Kililka oo dhan.” Sidaa waxa yidhi Masuul ka tirsan Xukuumadda deegaanka Soomaalida Itoobiya. Sarkaalkaasi wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Haddii ay lacagta adag ee Birtu wada-gaadho deegaanada Kililka, waxaa markaa meesha ka baxaya Shillin Soomaaliga aan kalsoonida lahayn oo hadda ka shaqeeya meelo badan oo Kililka ah.”
Arrinta dhoofka xoolaha Itoobiya, waxay markastaba saamayn ku leedahay Somaliland oo ay xoolaha la dhoofiyaa u yihiin isha ugu weyn ee dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay, isla markaana ay xidhiidh dhaw oo wada-dhalasho iyo ganacsiba wadaagaan Soomaalida Itoobiya. Sidaa daraadeed, siday muujinayaan warar ka soo yeedhay dhinaca Itoobiya, waxaa muuqata in ay Somaliland ka faa’iidaysan karto fursadan, dan weynina ay ugu jirto maadaama aan weli xayiraadii dhoofka xoolaha laga qaadin.
Dhinaca kale, sahan la sameeyay sannadkii 1992-kii ee taariikhda Itoobiya oo maxsuulkiisii laga soo saaray buug qoraal ah oo ka turjumaya khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa lagu muujiyay qiyaasta tirada xoolaha-nool ee ku dhaqan Kililka 5aad ee Itoobiya, taas oo loo dhigay sidan:
Inkastoo qiyaastaasi hore u soo baxday, haddana waxa la aaminsan yahay in xoolaha Kililku aad uga tirobadan yihiin intaas, sababtoo ah inta badan xooluhu waa qaar guur-guura oo hadba meel u hayaama. Wakhtiyada qaarna ka tallaaba xuduudaha, iyagoo calaf iyo biyo doonaya. Kililka 5aad ee Itoobiya-na waxa lagu tilmaamaa inuu yahay deegaanka ugu xoolaha badan mandaqadda Soomaalidu degto ee Bariga Afrika.
Guddi Loo Saaray Qiimaynta Darajooyinka Ciidamada Somaliland
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Difaaca Somaliland Mudane Axmed Cali Maxamed, ayaa daboolka ka qaaday in ay geba-gebo tahay hawsha derajo u samaynta ciidamada dawladda Somaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay in la qorshaynayo, mar kale in mushaharka loo kordhiyo Ciidanka.
Mudane Axmed Cali oo arrimahaa wax laga weydiiyay Shir-jaraa’id oo uu Sabtidii ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheegay in hawsha darajo siinta ciidamada ay seeskeeda sii dhigeen Wasiiradii isaga ka horeeyay. Hase yeeshee, la sii ambaqaaday, kadib bishii April markii Madaxweynihii hore ee geeriyooday Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo taliska guud kula hadlayay Ciidanka Qaranka uu amray in hawshaas si dhab ah loo galo, waxana uu intaas ku daray in darajada oo ah mid ay saddexda Ciidan ee dawladdu wadaagaan loo saaray guddi farsamo oo ka kooban saddexda Wasaaradood ee ciidamadu hoos tagaan ee Gaashandhigga, Cadaaladda iyo Arrimaha Gudaha.
Wasiirku waxa uu sheegay in guddigaasi ay jaangoynayaan tirada Saraakiisha ee uu dalku qaadi karo, iyo qiimaynta Saraakiisha Ciidamada dalka, isaga oo sheegay in ay isugu jiraan Saraakiil hore uga tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya iyo kuwo halgankii ku soo baxay. Waxana uu sheegay in guddigasi ay hawshooda soo geba-gebayn doonaan ilaa laba toddobaad kadib, dabadeedna waxa loo saari doonnaa ayuu yidhi guddi kale oo ka kooban Saraakiishii derajada sare ka gaadhay Ciidamada oo tifaftiri doonna jaangooyada ay soo sameeyaan guddigaasi.
“Waxaan ku rajo weynahay sannadkani inta aanu dhammaan in aad aragtan ciidamada oo darajo xidhan,” ayuu yidhi Wasiirku.
Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka oo mushaharkoodu aad u yar yahay, ayaa sannadkan horraantiisii miisaaniyadda loogu kordhiyay 200% (Boqolkiiba laba boqol), taas oo mushaharka askariga ka dhigtay SL SH 150,000. Haatana waxa uu sheegay Wasiirku in isla wakhtigaa Madaxweynihii hore uu amray in mar kale dib loo eego mushaharka ciidamada. Sidaas darteed, iyadana loo saaray guddi ka soo talisa. Wasiirku waxa uu sheegay inuu rajaynayo in mushaharka askariga la gaadhsiiyo ilaa SL SH 200,000.
Booliska Dawladda Hoose EeHargeysa Oo Dumiyay Dhisme Laga Bineeyay Gudaha Dugsiga Biyo-Dhacay“Xalay baa guure lagu dhisay, ninkii dhistayna wuu baxsaday”Taliyaha Booliska D/Hoose
Hargeysa (Haatuf): “Guure ayaa meesha lagu dhistay, ninkii dhistayna wuu baxsaday oo ilaa hadda ma hayno magaciisa iyo muuqiisa toona”, sidaa waxa yidhi taliyaha booliska dawladda hoose ee Hargeysa, Khadar Jaamaac Cilmi oo weriye Haatuf ka tirsan u waramay, isaga oo ku sugan goob laga dumiyey dhisme Sandaqad ah oo ku taal gudaha kaamboolka dugsiga Hoose/ dhexe Biyo-dhacay oo ku yaal xaafadda idaacadda ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ciidanka booliska dawladda hoose ay shalay barqadii ka dumiyeen dhisme sandaqad ah oo habeen hore guure lagu taagay, lagana dhisay dhulka gudaha ah ee kaamboolka dugsigaa, iyada oo sida ay dad goob joog ahi u sheegeen Haatuf uu ku talo galku ahaa in dhismahaa la dumiyey laga dhigo meherad ganacsi.
Weriyaha Haatuf ee goobta dhismaha laga dumiyey booqday ayaa ku waramay in gidaarka dugsiga ku xeeran meel weyn oo xajmigeedu gaadhayo ilaa dhawr mitir laga dalooliyey, ka dibna loo dhacay dhulka gudaha ah ee kaamboolka iskuulka, halkaana laga bineeyey dhismaha sandaqadda ah. Hase yeeshee booliska dawladda hoose ayaa gebi ahaan-ba car-daaduqaha ka dhigay dhismihii halkaa laga taagay.
“Saaka ayuun baanu ku war helay dhismaha cusub ee meesha laga taagay, xalay (Habeen hore) ayaa si tuugo ah oo sharci daro ah guure loogu dhistay, waxayna tani ka mid tahay dhul-boobka lagu hayo dhulka danta guud ” ayuu yidhi taliyaha booliska dawladda hoose. “Xalay saqdii dhexe (Habeen hore) ayaa la shisay, aroortii ayaanu aragnay, ka dibna intaanu ku qaylinay ayaanu u war gaynay dawladda hoose”, sidaana waxa yidhi dad goob joog ah oo ka mid ah dadka degan jiidaa.
Qalabkii dhismaha la dumiyey (Jiingadii iyo Al-waaxdii) waxay booliska dawladda hoose ku daabuleen baabuur ay wateen, laakiin taliyaha booliska dawladda hoose, Khadar Jaamac oo la waydiiyey sida u gelayaan alaabta dhismaha la dumiyey ayaa sheegay inay alaabtaa gacanta ka gelin doonaan masuuliyiinta dawladda hoose.
“Halkani waxay ka mid tahay goobaha danta guud ee dhul-boobka lagu hayo, aad ayaanuna uga xunahay dhaqanka noocan ah ee lagu boobayo dhulka danta guud” ayuu yidhi taliyaha booliska dawladda hoose. Goobta laga dumiyey dhismahan waxay qiyaas aan labaataneeyo talaabo ka badnayn u jirtaa isgoyskii idaacadda ee dhowaan, isagana laga dumiyey dhismihii ay dadweynuhu ku gadoodeen ee galaaftay masuuliyiintii sar-sare ee dawladda hoose ee dhowaan xilalka laga qaaday, meeshoodiina loo magacaabay masuuliyiin cusub.
Maamulka dugsiga Biyo-dhacay ee gudihiisa laga dumiyey dhismahan cusub nooma suurta gelin inaanu la kulano si aanu wax uga waydiino inuu wax ka og yahay iyo in kale arintaa. Hase yeeshee dadkii goobta joogay ayaa ku hadaaqayey “ Malaa suurta-gal ma aha inuu qof halkan oo kale iska dhisto, iyadoo aanu ogolaansho ka haysan maamulka dugsiga”, laakiin dad kale ayaa, iyaguna lahaa “ Waxa laga yaabaa inay cid dawladda hoose ka mid ahi wax la ogayd”.
Wakiilka Maamulka C/Qaasin U FadhiyaJaamacadda Carabta Oo Loo Gurayo Qaadhaan Dhaqaale
Qaahira (Sharqul-awsad): Safiirka maamulka C/qaasin u fadhiya Qaahira, isla markaana ah wakiilka u jooga ururka jaamacadda Carabta oo ay xaruntiisu tahay Qaahira ayey safiirada dawladaha Carabta u fadhiya Qaahira qaadhaan lacageed, waxaana la sheegay inuu lacagta loo ururinayo ku samaysanayo baabuurkiisii oo dhowaan ku burburay shil uu galay.
Safiirka maamulka C/qaasin u fadhiya Qaahira oo magaciisa la yidhaahdo, Cabdalla Xasan, waxa in qaadhaan lacageed loo ururiyo sababay, ka dib markii uu dhaqaale uu baabuurka ku samaysto ka waayey maamulka uu wakiilka ka yahay, sidaana waxa dhowaan qoray Wargeyska Sharqul-awsad ee ka soo baxa magaalada London, cadadkiisii soo baxay Julay 11, 2002, wuxuuna wargeysku sheegay safiirka maamulka C/qaasin inay la soo xidhiidheen qaar ka tirsan safiirada dawladaha Carabta u fadhiya Qaahira, ka dib markii ay ku war heleen xaaladiisa, taas oo uu wargeysku qoray ninkaa waxa u suurta geli wayday inuu xafiiskiisa ka xaadiro ,ka dib markii uu waayey baabuurkii keliya ahaa ee uu xafiiskaasi lahaa, wuxuuna wargeysku intaa ku daray inuu markaa bilaabay barashada wadista Baaskiiladaha si uu gaadiid uga dhigto.
Xubnaha safiirada Carabta ah ee la xidhiidhay Cabdalla Xasan waxa ka mid ah: Safiirada dawladaha Yamen, Liibiya iyo Jabuuti u fadhiya Qaahira, kuwaas oo Cabdalla u muujiyey inay ka xun yihiin dhibaatada la soo deristay iyo inay diyaar u yihiin inay wax la qabtaan, laakiin wakiilka dawladda Liibiya u fadhiya jaamacadda Carabta, Cabdul Muncim Al-hawni ayaa, isagu talaabo wax qabad ah oo la xidhiidha arinta wakiilka maamulka C/qaasin qaaday , ka dib markii baabuurkii burburay geeyey geerash lagu sameeyo. Sidoo kale waxa la xidhiidhay Cabdalla Xasan, wasiiru-dawlaha arimaha debedda dawladda Jabuuti, Maxamuud Cali Suufi iyo xubno ka tirsan ragga lacagta leh ee wadanka Masaarida oo u ballan-qaaday inay wakiilka C/qaasin wax la qabanayaan.
Qaar kale oo ka tirsan safiirada Carabta ayaa, iyaguna ku yaboohay inay baabuurtooda u soo dirayaan marka uu dano leeyahay si uu ugu socdo. Sidoo kale nin muwaadin ah oo ay dhalashadiisu tahay Sucuudiyaan, magaciisana la yidhaahdo, Maxamed Binu C/raxmaan, kana mid ah maamulayaasha cusbataalka boqor Faysal ee ku yaal magaalada Riyaad ayaa isaguna sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato qaadhaanka loo ururinayo Cabdalla Xasan, wuxuuna Maxamed Binu C/raxmaan intaa ku daray inuu diyaar u yahay inuu ninkaa u kireeyo baabuur uu ku socdo ama uu kaalmo lacageed u diro, balse wuxuu sheegay inuu hadda ka fekerayo sidii Cabdalla Xasan u gaadhsiin lahaa kaalmadaa, isaga oo yidhi waxaanan hadda garanayn sidii aan u gaadhsiin lahaa, laakiin waxaan ka naxay markii aan maqlay warka ku saabsan xaaladda uu ku sugan yahay ayuu yidhi Maxamed Binu C/raxmaan.
Hase yeeshee waxay wararku sheegeen inaanu maamulka ururka jaamacadda Carabtu wax ahmiyad ah siin dhibaatada baabuur la’aanta ee la sheegay inay haysato wakiilka maamulka C/qaasin u fadhiya caasumadda Qaahir, iyadoo dhibaatooyinka haysta lagu tilmaamay inay ka mid tahay sidii uu uga qayb geli lahaa shirarka ay had iyo goor isugu yimaadaan wakiilada joogtada ah ee dawladaha Carabtu.
Dhinaca kale maamulka C/qaasin Salaad ee Muqdisho ayaan ilaa hadda soo hadal qaadin arintaa wakiilkooda Qaahira, iyadoo la sheegay inay wakiilada maamulka C/qaasin u joogo meelaha debedaha ah dhowaanahan ka cabanayeen duruufo dhaqaale oo haysta, taas oo ay tibaaxeen inaanay wax dhaqaale ah ka helin maamulka ay wakiilada u yihiin ee C/qaasin. Mid ka mid ah wakiilada maaulka C/qaasin ee debedaha ku sugan ayaa laga soo xigtay inuu yidhi “ Ma aha markii u horaysay ee ay dhibaato soo gaadho mid ka mid ah safiiradayada, balse qaar badan ayey dhibaato haysataa, kuwaas oo aanu maamulka Muqdisho wax dan ah ka gelin, iyadoo ay madaxda maamulkaasi kharashaad aan xad lahayn ku isticmaalaan safaro ay debedaha ku taagan oo aan xanbaarsanayn ujeeddo muhim ah”. Cabdalla Xasan oo u dhalasho ahaan ka soo jeeda degaanka gobolka Jig-jiga ee dhulka Itoobiya waxa uu muddo dheer ku magacawnaa wakiilka Somaliya u fadhiya jaamacadda Carabta, iyadoo ay jagadaa u magacawday dawladdii Siyaad Barre, taas oo uu Cabdalla Xasan, kadib markii ay burburtay dawladdii Siyaad Barre aanu meel kale qaban ee uu iska joogay xafiiskii safaaradda, iaydoo aanay jirin wax dawladda oo uu ka wakiil yahay, laakiin maamulka C/qaasin ee lagu soo dhisay shirkii tuulada Carta ee dalka Jabuuti ayaa Cabdalla Xasan mar kale ku war geliyey inuu wakiil u yahay maamulkooda maadaama uu sidii weli u joogo xafiiska dawladdii burburtay ee Siyaad Barre, iyadoo ay xubnaha maamulka C/qaasin ku badan yihiin ama la odhan dhammaantood waxay ka kooban yihiin maamulayaashii u dambeeyey ee ay la degtay doontii talsikii Siyaad Barre.
Berbera: Hanfiga,Kulaylka Xaggaaga Iyo Biyo-YaraantaWarbixin – Weriyaha Haatuf
Berbera (Haatuf): Xaalad biyo yaraan ah ayaa waqtigan xaadirka soo food saartay goobo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada xeebta ah ee Berbera, iyadoo xiligan ay dadka degaanka Berbera ku guda jiraan waqtigii kulaylaha ee xiliga Xagaaga.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera, C/raxmaan X. Daahir waxay biyo yaraantani si gaar ah u saamaysay qaar ka tirsan xaafadaha magaalada, iyadoo ay dadka xaafadahaa ku dhaqani cabasho weyn ka muujiyeen dhibaatada biyo yaraanta ee haysata xiligan oo ay cimilada kulul ee xeebtu ku jirto waqtigii ugu kulaylka badnaa ee xagaaga. Laakiin war-bixin uu weriyaha Haatuf arinta biyo yaraanta Berbera nooga soo diray waxa uu ku bilaabay:
“Magaalada Berbera waxay waqtigan xaadirka ah ku jirtaa lixdii bilood ee kulaylaha Xagaaga, waana xiliyada ay dadku ugu baahi badan yihiin dhinaca biyaha, iyadoo ay lagama maarmaan tahay inuu qofku 24-kii saacadood-ba helo ugu yaraan biyo gaadhay ilaa 40 LITIR. Hase yeeshee waxa magaalada soo food saartay biyo yaraan si weyn looga dareemay guud magaalada Berbera, gaar ahaana qaybo ka mid ah saamaynta ugu weyn ku yeelatay.
Xaafado ay ka mid yihiin: Burco-sheekh iyo Jaamo-laaye ayuu meehanowga ugu daran ee biyo la’aantu ka taagan yahay, iyadoo ay dadka xaafadahaa ku nooli u badan yihiin dad dan yar ah iyo shaqaalaha muruq-maalka loo yaqaan, waxayna dadka xaafadahaa ku dhaqani cabasho weyn ka muujiyeen xaaladda biyo yaraanta, taas oo ay sheegeen in halkii toddobaad hal mar oo qudha biyuhu u soo dhacaan ama ay arkaan, waxaana la sheegay in biyaha la helaa ay hadda isugu ururaan meelaha godanka ah ee magaalada, taas oo la sheegay inaanay biyuhu lahayn awood ay ku fulaan ama ku gaadhaan meelaha joogoodu sareeyo.
Hase yeeshee dadka xaafadahaa ku dhaqani waxay maamulka magaalada kaga cawdeen inaanay xil iska saarin sidii ay xaafadahaasi u heli lahaayeen biyo ama ay magaalada biyaha ugu qaybin lahaayeen, waxaadna arkaysaa dumar iyo ciyaal isdaba tooraynaya oo, iyaga oo jirikaano iyo caagado xambaarsan meelo xaafadahooda ka durugsan duruufta harraadku geysay, laakiin inkasta oo la sii kala daran yahay, haddana xaaladda biyo yaraantu magaalada oo dhan way saamaysay.
Dhibaatada biyo yaraantu waxay salka ku haysaa, ka dib markii ay mishiinada biyo soo saarka ee ceelasha ku yaal meesha la yidhaahdo Faro-deero oo ah meesha ay ka soo baxaan biyaha ay magaaladu cabtaa ay dayactir la’aan la fadhiisteen, taasina ay maamulayaasha wakaalada biyaha Berbera ku khasabtay inay shirkadda Laydhka ee la yidhaahdo BEE ka kiraystaan hal mishiin oo maalintii ku kiraysan $60 U.S-dollar, waxayna arintaasi dad badan oo Reer-Berbera ah ku noqotay qaadan-waa, iyadoo ay dadkaasi ku doodayaan ama ay is-waydiinayaan “ Ma waxa loo gurmadaa goobaha jilicsan ee dakhligoodu yar yahay ama aanu dakhliba soo gelayn, sida Cusbataalka oo kale, mise hayadihii ilaha dhaqaalaha ahaa ee ay subax walba soo gelaysay malaayiinta shillin”.
Arinta biyo yaraantu waxay ku soo beegantay xili uu gebgebo yahay mashruuc ay maal-gelinayso hayadda samafalka THW oo ku saabsan dayactirka dhuumaha biyaha keena magaalada ee ka soo qaada ceelasha biyo soo saarka, iyadoo uu dayactirka dhuumahaasi meesha ka saaray kharash badan oo wakaaladda biyaha kaga bixi jirey khasaare ka iman jirey dhuumaha gaboobay ee dayactirka lagu sameeyey. Marka laga hadlayo isticmaalka biyaha Berbera waxa isticmaala dhinacyada kala ah: hayadaha dawladda iyo wixii la xidhiidha, dadweynaha magaalada iyo wixii la xidhiidha iyo xoolaha ka caba ceelasha iyo qasabadaha magaalada.
Sida ay tibaaxeen warar xog-ogaal ahi waxa biyaha ay dadweynuhu isticmaalaan bishii ka soo xerooda dakhli gaadhaya ilaa 80 Milyan oo shillin Somaliland ah , weliba marka laga reebo xarumaha sida joogtada ah isaga bixiya biilasha biyaha. Dhinaca kalena wakaaladda biyaha ayaa la sheegay kharashka ay bishii isticmaashaa inaanu ka badnayn ilaa 40 Milyan oo shillin Somaliland ah, taas oo hadii ay arintu sidaa tahay marka la si barbar dhigo kharashka iyo dakhliga ay is-waydiintu noqonayso xagee bay hadaa wax ka qaldan yihiin, iyadoo ay su’aasha meesha taal tahay calal-aqilu miyey wakaaladdu ku filaan kari wayday dayactirka mishiinada biyo soo saarka.
Hase yeeshee waxay dadka qaarkood aaminsan yihiin inaanay jirin cid la xisaabtanta wakaaladda biyaha Berbera, taas oo ay dadku qabaan inay ugu wacan tahay wakaaladda biyaha oo ah meel la yidhi way madax banaan tahay oo aan cidna hoos tegin, sidaa darteed ay lama huraan tahay meel kasta oo ay awoodeeda cid qudhi qadinto oo aakhirto inaanay gefayn musuq-maasuq iyo ku takri-fal qaldan, iyadoo ay hadda masuuliyiintii sar-sare ee wakaaladda biyaha Bebera mishiino ka raad raadinayaan magaalada Hargeysa.
Hadal iyo dhammaan arinta biyo yaraanta ee waqtigan xaadirka ah la soo deristay dadka Reer-Berbera waxay, iyana noqotay duruuf cusub oo ku soo biirtay arrad dhinacyo badan leh oo horeba uga muuqday xaaladaha adeeg iyo nololeed ee magaalada Berbera oo xarun u ah gobolka xeebta ku yaal ee Saaxil, iyadoo haddana ay magaaladaasi tahay magaalada keliya ee ku taal marinka dhaqaale ee ugu weyn dhulka Somaliland”. Guddiga Diiwaan-Gelinta Ururada Siyaasadda Somaliland Iyo Qiimayntooda Kama-Dambaysta Ah
Hargeysa (Haatuf): Guddiga diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda Somaliland ayaa sheegay inay laga bilaabo 1-da bisha Ogost ee foodda inagu soo haysa gobolada iyo degmooyinka dalka ku galaabixin doonaan kormeero kama dambays ah oo ay ku soo gebogebaynayaan qiimayntooda ku saabsan ururada siyaasadda ee jira. Sidaana waxay guddiga diiwaan-gelintu ku sheegeen qoraal saxaafadda loogu talo galay oo uu xalay nasoo gaadhsiiyey xoghayaha guddigaa, Maxamuud Ibraahin Axmed (Sandheere).
Muddo Shan bilood ku dhow ayaa laga jooga markii ay xidhantay diiwaan-gelintii u dambaysay ee ururada siyaasaddu, waqtigaas oo ay golayaasha baarlamaanka Somaliland muddo laba bilood ah dib u bixiyeen fursad ay ka faa’iidaysato Cidii aan ka qayb gelin mudadii hore ee loo qabtay waqtiga Is-diiwaan-gelinta ururada siyaasadda. Sidaa darteed waxa mudadan dambe is-diiwan geliyey laba urur-siyaasadeed oo kala ASAD oo hore u qaadacay shardiga Is-diiwangelinta iyo ururka KULMIYE oo goor dambe abuurmay.
Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasaddu daba yaaqadii sannadkii 2001 ayey markii u horaysay qiimayn ku sameeyeen 7 urur siyaasadeed oo markaa diiwaan gashanaa, taas oo ay guddigu sheegeen inay laba ururadaa ka mid ahi buuxin waayeen shuruudihii qiimaynta ee ururadaa loogu aqoonsan lahaa urur buuxa. “UMAD iyo ILAYS waxay ahaayeen, kuwa aan buuxin sguruudihii looga baahnaa ururada u tartami kara doorashooyinka dawladaha hoose, halka ay shanta urur ee kalena (SAHAN, HORMOOD, UDUB, UCID iyo BIRSOL) ay ahaayeen, kuwo ku jira xaalad qarba-qarbo ah oo uu waqtigu ku koobnaa” ayey guddigu ku yidhaahdeen war-saxaafadeedka ay hadda soo saareen, laakiin waxay intaa ku dareen inay kormeerkoodii ugu dambeeyey ee qiimaynta ururada ay gobolada iyo degmooynka dalka ku soo kala bixin doonaan inta u dhexaysa 1-da ilaa 20-ka bisha Ogost ee foodda inagu soo haysa.
“Guddigu waxa uu soo mari doonaa goob kasta oo uu ka furan yahay ama ka shaqaynayo xafiis urur-siyaasadeed oo ka mid ah 9-ka urur ee diiwaan-gashan, halkaasna ay ka soo bixi doonto qiimaynta kama dambaysta ah ee ay guddigu ku aqoonsanayso ururada u gud-bi kara tartanka dawladaha hoose” ayey yidhaahdeen guddiga diiwan-gelinta ururadu. Laakiin waxay war-saxaafadeedkooda ku sheegeen shuruudaha marxaladdan oo ah tii labaad laga rabo ururada siyaasadda, waxayna yihiin: 1- In urur kastaa lixda ee dalka ku leeyahay laamo iyo xafiisyo hawl-gal ah oo ay ka muuqdaan astaamihii ururku, sida: Astaanta ururku leeyaha, calanka ururka IWM, iyo dhismayaal maamul oo u dhisan sida xeerkiisa ku cad. 2- In Xafiisyada ururada ee gobolada iyo degmooyinka ay gobol kasta uga diiwaan gashan yihiin xubno dad ah oo ay tiradoodu gaadhayso 500 qof oo ay magacyadoodu qoran yihiin, lana heli karo hadii loo baahdo. 3- In ururku uu Xarunta dhexe ee guddiga diiwaan-gelinta ku soo xereeyo dhumantiyada soo socda: B- Goobta iyo goorta uu qabsoomay shirweynihii ururku iyo hal nuqul oo ah ajandihii hawl maalmeedka shirweynaha oo qoraal ah. T- Midkiiba toban nuqul oo xeerka guud ee ururka ah iyo barnaamijka ururka ee shirweynaha ururku ansixiyey. J- Liiska magacyada Xubnaha golaha dhexe ee ururka iyo habkii loo doortay Xubnaha oo qoraal ah. X- Hadii isbedel ku yimi guddigii fulinta ee ururka ee lagu doortay aasaaskii ururka magacyadooda oo saxeexan iyo habkii loo doortay. KH- Qaab dhismeedka ururka iyo qaab dhismeedka maamul oo jaantus ku samaysan, hadii uu shirweynuhu wax ka bedelay kii aasaaskii ururka. D- Hal cajalad oo muuqaal ah oo koobaysa wax qabadkii shirweynaha ururka, muujinaysana hawlaha kor ku xusan sidii ay shirweynaha uga soo baxeen. Ugu dambayna waxay guddigani war-saxaafadeedkooda ku sheegeen inay dhokmantiyadaa ururada siyaasadda ka rabaan inta ka horaysa 20-ka bisha Ogost, 2002,inay soo gaadhsiiyaan xarunta
Xilligii Uu Shiinuhu Ka Ilbaxsanaa Reer Yurub Cumar Daahir CUmar
Qaaradda Eeshiya xaddaaradda Shiinuhu waa ta ugu weyn ee saamaynta ku yeelatay dhinacyada; suugaanta, falsafadda, diinta iyo sawirka iyo guud ahaan fekerka dadyowga ku dhaqan qaaradda Eeshiya. Waxyaabaha ay sameeyaan Shiinuhu aad ayaa loogu iibsan jiray Eeshiya iyo meelo kale oo ka sii fogba. Qarnigii 13aad ayuu Bad-mareen reer Yurub ahaa Mr. Marco Polo ku soo noqday dalkiisii Talyaaniga, kadib markii uu muddo qiyaas ahaan 20 sannadood ah ku maqnaa dalka Shiinaha, wuxuuna ka qoray buug socdaalkiisaa.
Buugaa uu qoray Marco Palo wuxuu ka sheekaynayay xadaaradda iyo nolosha ka jirtay Shiinaha xilligaa. Qoraalkii Marco Polo waxyaalihii uu kaga sheekeeyay in uu ku soo arkay Shiinuhu waxay noqdeen kuwo ay reer Yurub xilligaa rumaysan waayeen. Waxaa ka mid ahaa dhagax madow oo loo shidanayo sida xaabada oo ka dab wanaagsan xaabada. Markii uu qoray Marco Polo arrimahaas oo kale waxaa Talyaaniga looga bixiyay ‘Amiirkii Beenta’.
Xaqiiqdu waxay ahayd dhuxul-dhagaxda oo aan aad loo aqoon, arrintaasina waxay muujinaysaa sida Shiinuhu xilligaa uga horumarsanaa dalalka Yurub. In ka badan 1,000 sanndaood muu jirin dal kale oo Eeshiya ah oo la barbar dhigi karayay baaxadda xadaaradda ka jirtay dalka Shiinaha.
Qaab-nololeedka dadka Shiinuhu wuxuu noqday mid waara oo la iska dhaxlo, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah xadaaradaha dunida ugu faca weyn. Dhul-weynaha Shiinuhu wuxuu ku fidsanaa; badhtamaha Eeshiya ilaa webiga Jaxartes, Kuuriya, Galbeedka Manchuria iyo Tibet. Laakiin taariikhdu markay ahayd 751(dhalashadii Nebi Ciise kadib), ayaa badhtamaha Eeshiya waxaa ku soo faafay maamuladii dawladihii islaamka sannadkii 1127. waxaa ka jiray Shiinaha laba boqortooyo.
Dhinaca waqooyiga waxaa ka jirtay boqortooyadii (CHIN), dhinaca koonfurtana waxaa ka jirtay boqortooyadii (SUNB). Boqortooyada Sung ee qarnigii 12aad waxaa lagu qeexay dalkii ugu horumarsanaa dunida qarnigaa, dhaqaale ahaana boqortooyadaasi waxay ahayd mid hodana, magaalooyinka iyo tuulooyinkuna waxay xarumo u ahaayeen farshaxanka iyo waxbarashada. Laakiin xadaaraddaasi may ahayn mid aad u gaadhay dadka reer miyiga ahaa ee boqortooyadaasi.
Ganacsiga ka jiray Shiinuhu xilligaa wuxuu ahaa ku lagu raro awrta oo mari jiray badhtamaha, kaas oo Shiinaha lagaga soo qaadi jiray dharkii xariirta ahaa ee ay Shiinuhu samayn jireen. Xilligii boqortooyadii Sung ee Shiinaha waxaa isaguna horumar sameeyay ganacsiga mara badaha waaweyn, waxayna maraakiib waaweyn oo wata badmareenadoodu ay boqortooyadaa alaabta baayac-mushtarka uga qaadi jireen dalalka Kuuriya, Japan, Koonfurta Eeshiya, Beershiya iyo xeebaha Bariga Afrika. Qaab-bulsheedkii xilligaa ee Shiinaha haweenku lamay sinayn raga, marka ay wada socdaan xiligaa Shiinaha nin iyo naagtii oo ay marayaan suuq, naagtu (10) toban tallaabo ayay ka dambayn jirtay ninkeeda. Shiinuhu waxay lahaayeen farta la qore ee Afgooda ilaa (3,500) oo sannadod kahor, waana afka ugu da’ weyn dunida.
Afka Shiinuhu waa mid adag, inkasta oo ereyada shaqsiyadeed uu eraygiiba yahay hal sawir calaamadeed, waxaana dhacda hal eray inuu yeesho macnayaal badan sida; erayga (Fu), waxay la mid noqon kartaa (Qani ama hodan), maya ama ma jirto. Laakiin sida ay ugu dhawaaqaan erayada luuqada afkooda way ku kala duwan yihiin dadyowga Shiinuhu.
Farta qoran ee Shiinuhu waxay ku bilaabantay sawiro sidii Masaaridii hore, laakiin waxay Shiinuhu joogteeyeen inay halkii sawirba u isticmaalaan hal eray ama hal fikir. Waqtigan xaadirka ah luqada Shiinuhu waxay ka kooban tahay qoraalkeeda (50,000) konton kun oo xaraf. Tiro yar oo ardayda Shiinaha ah ayaa awooday inay wada bartaan dhammaan xarfahaa. Qayb badan oo ka mid ah dadka Shiinaha ayaan weilgood baran qorista iyo akhriska fartooda, iyada oo sababtuna ay tahay kumaan kunkaa xarfood oo aanay si fudud ku qaybi karayn. Sannadihii ugu dambeeyay ee Boqortooyadii Chou ee Shiinaha, waxaa dagaal uu dhex maray maamuladii dhul-goosiga ahaa ee Shiinaha, waxaa soo baxay boqor Shiine ah oo la yidhaa Ch’in oo xukunka qabsaday 221 B.C (kahor Nebi Ciise).
Boqorytooyada Shinaha ee uu boqorka ka ahaa Ch’in waxay ka awood badnayd boqortooyooyinkii kale, waxaanu xukumay inta dhulkii ay ku noolaayeen dadka Shiinuhu. Magaca China ee la xidhiidhay dalka iyo dadka China wuxuu ka soo jeedaa boqor Ch’in oo xukunka qabsaday 221 B.C.
Hawshii midaynta Shiinaha waxaa boqor Ch’in uga dambeeyay boqor la yidhaa Shih Huang Ti oo xuduudii dalka Shiinaha u fidiyay dhinaca Koonfureed. Wuxuu dhigay shuruucdii uu dejiyay Ch’in, shuruucda qaran ee Shiinaha. Waxaa kale oo uu xoojiyay dawladdii dhexe ee Shiinaha, isaga oo diciifiyay maamul-goboleedadii iyo Amiiradii meelaha qaar xukumi jiray, wuxuuna Shiinaha u qaybiyay 36 gobol oo uu gobol walba xukumo sarkaal militari ahi. Aas-aaskii nidaam-dawladeedkaa uu aas-aasay Shih Huang Ti, waxyar ayuunbaa iska beddelay maamulkii Shiinaha ee soo gaadhay ilaa 1912 A.D.
Dawladda Suudaan Iyo Jabhadda SPLA Oo Ku Heshiiyay In Cod Laga Qaado Koonfurta Sudan
Khartoum (W/Wararka) -Dawladda islaamiga ah ee Sudan iyo jabhadda SPLA ee u dagaalanta isxukun gaara oo la siiyo Koonfurta Sudan ayaa ku heshiiyay laba qodob oo aas-aas u noqonaya xal u helidda dagaal 9 sannadood ka dhex socday labadaa dhinac.
Markii ay dawlada Sudan iyo jabhada SPLA ay 5 toddobaad shir socday ku yeesheen magaalada Machakos ee dalka Kiiniya ayay ugu dambayntii sheegeen inay gaadheen heshiis aas-aasiga, kaas oo ah in lix sannadood gudahood codka aayo ka tashiga laga qaado Koonfurta Sudan (Refredum), cod-bixintaas oo u oggalaanaysa Koonfurta Sudan inay ka go’I karaan Sudan inteeda kale, haddii ay sidaa u codeeyaan shacbiga ku nool koonfurta Sudan.
Heshiiskaasi waxaa kale oo uu dhigayaa inta ka horaysa cod ka qaadista dadka ku nool koonfurta Sudan, in aan sharciga islaamiga ah ee hadda lagu dhaqo Sudan aan lagu isticmaali doonin dadka Kiristanka ah iyo kuwa aan diinta haysan ee ku nool Koonfurta Sudan.
David Bamford oo ka tirsan BBC-da ayaa isagu sheegay in heshiiskaas dawlada Sudan iyo SPLA aan lagu xusin xabbad-joojin khusaysa dagaaladi sababay dhimashada (2) laba milyan oo qof iyo baro-kaca qaxootinimo ee malaayin qof, wuxuuna intaa ku daray in su’aashu ay ka taagan tahay bal in dawladda Sudan ay fuliso qodobadan ay ku ballan-qaaday heshiiskan iyo inkale.
Madaxweynaha dalka Kenya oo labadaa dhinac ee ku dagaalamaya Sudan 10 sannadood ku dhexjiray heshiisiintooda ayaa ka codsaday inay jojiyaan colaada ka dhaxaysa oo ay tixgeliyaan dadka halkaa ay waxyeeladu ku gaadhayso, khayraadka burburaya iyo dadka ku dhimanaya colaadaa. Warku wuxuu intaa ku darayaa in dawlada Sudan iyo jabhada SPLA ee koonfurta Sudan labadaba uu cadaadis kaga yimi dhinaca dawlada iyo mucaaridka labadaba uu cadaadis kaga yimi dhinaca dawlada Marakanka, kaas ooka dalbaya inay xal gaadhaan, waxayna ogolaadeen inay wadahadalladooda sii wadaan bisha August ee sannadkan.
Saraakiishii dawladda Sudan shirkaa Kenya uga qaybgalay waxay sheegeen in uu khilaafkani degayo marka xabbad-joojin ay labada dhinac ku heshiiyaan, laakiin wakiiladii jabhada SPLA uga qaybgalay shirkaasi waxay sheegeen in arrinta khilaafka dawladda Sudan iyo jabhada SPLA ay isbeddel macno leh yeelan karto marka ay ka heshiiyaan qodobada muhiimka ah ee colaadooda, sidaa waxa u sheegay warbaahinta afhayeenka dagaalyahanada koonfurta Sudan Mr. Samson Kwaje.
Dawladda Britain ayaa iyadu sheegtay inay dhiirigelinayso wada xaajoodka dhexmaray dawladda Sudan iyo SPLA, wuxuuna yidhi xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain Mr. Jack Straw; “Si diiran ayaanu u soo dhaweynaynaa qodobada guusha leh ee ka soo baxay wareegii koowaad ee wadahadallada nabadda Sudan.”
Wuxuu intaa ku daray Mr. Jack Straw; “Labadan qodob ee heshiisku waxay fure u yihiin aayo ka tashiga shacbiga koonfurta Sudan dawlad ahaan iyo diin ahaan, waana xal wax ku ool ah.”
ODHAAHDA AKHRISTAHA Nidaaminta Maaliyadda Dawladda C/Raxmaan Siciid Maxamed
Nidaaminta maaliyadda dawladda waxa khuseeya hanaanka ururinta cashuuraha dadban oo la waafajiyo ama lagala mid dhigo heerka laga aqoonsan yahay Caalamka (International recognized standards).
Hanaanka ururinta cashuuraha ee la aqoonsan yahay, wuxuu ku dul wareegaa ama saamayn ku leeyahay arrimo kala duwan oo la kala xidhiidha noocyada cashuuraha dadban, inta nooc ee cashuuraha kastamku isugu jiraan, qaabka ugu haboon ee uu jadwalka (schedule) cashuuraha lagu soo bandhigaa uu yeelanayo, hawlaha ay qabybaha (section) kastamku kala qaabilsan yihiin, qaabka xaashida cadaynta ee ay ka midka yihiin, xaashida cadaynta shixnadda (declaration of import), xaashida qiimaynta (assessments sheet), xaashida lacag qabashada (Cash receipt) oo qaab ahaan ka duwan lacag qabashada guud, xaashida dakhli xareynta (pay-in slip), xaashida sheegida dakhliga (acknowledgement of receipt), iyo diwaanada xisaabta(ledgers), guud ahaan, hanaanka xisaabinta dakhliga oo ilaa xad ka duwan ka lagu maacaamilo wasaaradda maaliyada ee Somaliland ee laga soo qaatay Talyaaniga.
Qaybaha soo socda ayeynu ku qaadaa dhigaynaa arrimaha aynu xaga sare ku soo tilmaamay si loo fahmo ujeedada ka dambaysa nidaaaminta maaliyada dawladda. Cashuuraha dadban waxaa loo yaqaan dakhliga qofka ama shirkada u gaarka ah. Cashuurha dadban ama aan saamayn dakhliga shakhsiga ama shirkada waxaa dalkeena ugu mudan cashuuraha kastamka ee laga qaado ama lagu xisaabiyo qiimaha badeecooyinka dalka soo galaya. Sidaa awgeed, waxaynu mawduuca nidaaminta maaliyada dawladda ku xadaynaynaa cashuuraha kastamka.
Dakhliga cashuuraha ee ay kastamadu ka qaadaan ganacsatada waxay isugu jiraan noocyada ay ka midka yihiin: 1. Cashuuraha kastamka ee ku waajibtay badeecooyinka guud (tariff). Badeecooyinka dalka la keeno iyadoo dan loo eegayn nooca gaarka ee ay yihiin waxa qiimahooda dhabta ah ku waajib ah marka hore 5% oo ah Cashuur guud. 2. Cashuuraha kastamka ee badeecooyinka gaarka ah (customs duty). Badeecooyinka dalka la keeno iyadoo loo eegayo nooca gaarka ah ee ay yihiin waxa qiimahooda dhabta ku waajib ah mar labaad reydad (rates) kala duwan oo ah cashuuraha gaarka ah. Tusaale ahaan: cashuurta gaarka ah ee kastamkka (costumes duty) ee ku waajihan qaadku waa 60%, sigaarka, 100% raashinka iyo dawooyinka, 0% ama bilaa Cashuur marka laga reebo cashuurta guud ee ah 5% qiimaha badeecadda. 3. Cashuurta qiimaha la socota (value-added –tax). Marka laga reebo raashinka iyo dawooyinka, badeecooyinka dalka soo galaya waxa qiimahooda ku waajib ah 4% oo ah cashuurta qiimaha la socota. 4. Cashuurta maamulida (administrative tax). Badeecooyinka dalka soo galaya waxa kale oo qiimahooda ku waajib ah 3% oo ah cashuurta maamulida oo ka mid ah cashuuraha kastamka lagu qaado. 5. Kharashka dajinta (handling charges) oo kala ah 0.5% iyo 1% ayaa iyaguna ku waajib ah qiimaha dhabta ah ee badeecooyinka. 6. Cashuuraha kale (other levies) ee kastamka ee ku waajibaya qiimaha dhabta ah ee badeecooyinka waxay la xidhiidhaan Siyaasadda dhaqaale ee dalka. Badeecooyinka la doonayo in aan dalka la keenin sababo dhaqaale awgeed waxa la saaraa 30% qiimaha badeecadda. Noocyada cashuuraha iyo kharashayada kale ee kastamku ka qaado qiimaha badeecooyinka waxa lagu soo bandhigayaa jadwalka cashuuraha kastamka(schedule of tax) oo u baahan inuu yeesho qaab laga heli karo macluumaadka la’aantooda uu dhici karo hanti lunsi ama Cashuur dhaafid aan layska dhaadayn ama aan muuqan. Rumayso ama ha rumaysan, Cashuur dhaafidda qarsoon waxa ku luma hanti u dhiganta 98% dakhliga soo bixi lahaa, halka wax ka yar 1% ay ku lunto Cashuur dhaafidda sharcidaradda ah ee shaqaalaha kastamadu ay ganacsatada u sameeyaan. Sidaa awgeed, dakhliga dawladda u soo xeroodaa wuxuu u dhigan yahay wax 1% in ka yar ka sareeya intii ay ahayd in ay soo xerooto. Hase yeeshee, jadwalka cashuurta iyo arrimo kale ayaa u sabab ah Cashuur dhaafidda qarsoon. Jadwalka cashuuraha ee ay shaqaaluhu tixraaciyaan wuxuu yeelanayaa khaanado (columns) lagu muujiyo arrimo dhawr ah sida: 1. Khaanadda koowaad waxa loogu talo galay in lagu muujiyo sumadaha iyo lambarada (code) badeecadda u gaarka ah 2. Khaanadda labaadna, faahfaahinta iyo sharaxaada badeecadda (Description) nooc badeecad ah oo isku abtirsiin ah ayaa yeelanaysa afar bahood. Tusaale ahaan: badeeco leh abtirsiinta saabuunta jidhka ayaa waxay u sii kala baxaysaa dhawr bahood oo kala ah: saabuunta jidhka ee culayskeedu yahay 80grm, saabuunta jidhka ee 120gr, iyo saabuunta jidhka ee 48ka mida ku jiraan kartuunada, iyo 72ka kartoon ay ku jiraan. 3. Khaanadda saddexaad waxa lagu muujiyaa qiimaha halka unug ee bahda badeecadda oo ku salaysan doolar. Halkan loogama baahna qiimaha abtirsiinta badeecadda. 4. Khaanadda afraad, shanaad, lixaad, todobaad, sideedaad, iyo sagaalaadna waxa ku muujisan heerarka ama reydadka (rates) ee noocyada cashuuraha iyo kharashyada kale ee kastamka ee aynu xagga sare ku soo sheegnay. Hase yeeshee, wakhtigan aynu ku jirno waxa kastamada ku jira xaalad ganacsade la soo degay badeecooyin ka kooban sodon (30) bahood oo saddexdii bahoodba ay ka dhaxayso abtirsiin gaar ihi, isla markaa bah waliba ka kooban tahay kamiyad gaar ah oo leh qiime u gaar ah ayaa waraaqaha kastamka looga qoraa “Baggaash” sidaa awgeed, faahfaahin la’aanta badeecooyinku waxay sababtaa in ganacsade ay ku waajibayso lacag u dhiganta afar kun ilaa lix kun (4,000-6,000) oo doolar laga qaado wax ka yar lacag u dhiganta boqol (100$)
Nidaamka Caalamka laga aqoonsan yahay ayaa faraya in badeecooyinka dalka soo galaya lagu cadeeyo xaashida cadaynta shixnadda (declaration of import) isla markaana macluumaadka loogu qoro habka ama sida ay ugu muujisan yihiin jadwalka cashuuraha gaar ahaan khaanadaha koowaad iyo labaad. Xaashida cadaynta shixnadda looguma talagalin in lagu qoro wax ku saabsan qiimaha badeecooyinka. Xaashida cadaynta shixnaddu waxay leedahay qaab ka kooban saddex khaanadood iyo meelo lagu buuxiyo macluumaad kale. Khaanadda waxa loogu talagalay sumadaha iyo lambarada bahda badeecadda in loogu qoro sida ay ugu yaalaan jadwalka cashuuraha, khaanadda labaadna waxa galaya faahfaahinta bahda badeecadda oo laga tixraacayo jadwalka cashuuraha. Khaanadda seddexaadna waxa loogu talo galay in lagu muujiyo kamiyadda (quantity) ee bahda badeecada.
Hase yeeshee, khaanadda lagu muujiyo kamiyada ee xaashida cadaynta shixnaddu waxay u sii kala qaybsantahay laba dhinaca oo dhinac midigta ay ku calaamadsan tahay unug (unit), dhinaca bidixdana lagu calaamadiyay tiro (volume) hadda unugga bahda badeecaddu yahay kartoon, tirada karaatoontuna ay tahay boqol 100 kartoon, khaanadda saddexaad ee xaashida cadaynta shixnadda waxa lagu qorayaa (carton 100). Macluumaadka kale ee lagu qorayo xaashida cadaynta shixnadda waxa ka mida magaca ganacsadaha lambarka shixnadda, lambarka maanafeestada, magaca gaadiidka dalka ay badeecaddu ka timid, iyo lambarka liisanka ganacsiga. Dhinaca kale; xaashida cadaynta shixnadda waxay leedahay koobiyo u kala tagaya ganacsadaha, xafiiska qiimaynta cashuuraha ee kastamka, wasaaradda ganacsiga, iyo koobi lagu haynayo qaybta rarista iyo dejinta (porting section) ee diyaarisa xaashidan. Qiimaha bahda badeecadda iyo qiimaynta cashuuraha waxa lagu diyaariyaa xaashida qiimaynta (Assessment tax) iyadoo la tixraacayo jadwalka cashuuraha.
Hase yeeshee, qiimaha bahda badeecadda iyo cashuuraha kastamku waxay ku salaysan yihiin lacag adag ama doolar, laakiin lacagta cashuurta waxa lagu qaadayaa lacagta dalka ama shilinka Somaliland. Sidaa awgeed, waxa haboon in lacagta adag ee doolarka loo aqoonsado cumlada rasmiga ah (official currency) halka lacagta dalku ay noqonayso cumlada sarrifka (exchange currency) sababo dhaqaale awgeed.
Dhinaca kale, hawsha cadaynta shixnadda ee ay ka mas’uulka tahay qaybta kastamka waa in ay ka hawl-galaan shaqaale shahaado sare ku haysta xisaabinta (accounting). Waxa kale oo qaybta rarista iyo djintu u baahantahay inay si joogta ah u helaan macluumaadka bahda badeecooyinka oo lagu daabacay jadwal cusub (updated schedule). Sidaa awgeed, unugga maamul ee xafiiska Agaasimaha kastamadu wuxuu yeelanayaa unug-hoosaad u xil saaran ururinta iyo qaybinta macluumaadka bahaha badeecooyinka oo qalabka kampuutarka ee E-mail kula xidhiidha xarumaha kastamada.
Sidoo kale, nidaamka Caalamka la aqoonsanyahay ayaa tilmaamaya in xaashiyaha shaqada ee lagu isticmaalo kastamka ee ay ka midka yihiin xaashida qiimaynta, xaashida lacag qabashada, iyo xaashida dakhli xareynta ay yeeshaan qaab laga helo macluumaad tiro badan iyo inay wada-shaqayni jirto, xaashiyaha kale waxa ku shaqeeya xafiiska xisaabiyaha guud, waxayna kala yihiin xaashida sheegidda dakhliga, diiwaanka lacag qabashada (cash receipt journal), iyo diiwaanka xisaabaadka guud (general ledger), iyo in la dajiyo hanaanka xisaabinta ee machadka Maraykanka ee xisaabintu dawladdaha adduunka uu ka caawiyo sidii ay u dejin lahaayeen.
Hase yeeshee, nidaaminta maaliyadda dawladda ee la xidhiidha ururinta dakhliga cashuuraha kastamku kuma filna in ay Somaliland yeelato nidaamka maaliyadeed ee saldhigga u ah qaranimada. Sidaa awgeed, waxa iyana qasab ah in la waafajiyo heerka hannaanka Caalamka laga aqoonsan yahay arrimaha kala ah: · Nidaamka qiimaynta iyo ururinta cashuurta dakhliga (income tax) · Nidaamka qiimaynta iyo ururinta caymiska Qaranka (national insurance) · Nidaamka dejinta miisaaniyadda Qaranka · Nidaamka bixinta kharashka foojarada · Nidaamka xisaabinta guud · Nidaamka maamulida mushaharka shaqaalaha · Nidaamka maamulida wax soo iibinta iyo bixinta qandaraasyada · Nidaamka maamulidda istoodhada · Nidaamka diiwaan gelinta hantida raagta. · Iyo waliba arrimaha kale ee maaliyadda khuseeya ee faraha badan Ugu danbayntii, waxaan soo jeedinayaa in Caalamka laga soo qaato ama lagaga daydo siday u maamulaan arrimahooda dhinaca maaliyadda, iyo in qaybaha kastamada, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, xafiiska khasnada dhexe, iyo Waaxaha Maaliyadda ee hay’adaha dawladda dhexe dawladdaha hoose lagu shaqaaleeyo dad xisaabinta ama maaraynta maaliyadda ku takhasusay iyo in la ururiyo fikirka muwaadinka.
Maxaa Loo Quudhsaday ArdaydeeniiAqoontu waa asaaska nolosha furaha jahliga la dagaalanka sharci darrada iyo musuqmaasuqa iyo cidhibtirka saboolnimada sida awgeed, bilowgii qarnigii 20aad ayay si rasmiya uga hano qaaday barashada aqoonta iyadoo uga soo talowday dhinacaa badaha kuna soo horaysay xagaa iyo xeebaha dalkeena. Qarnigii 20aad oo ahba waqti uu intiisa badan ka talin jiray gumaysi awoodo badan u isticmaali jiaray ayay aakhirkii ku guulayteen aqoonyahao faro ku tirisa oo u dhashay dalkeenan in ay inaga tuuraan heeryadii adooonsiga jaahilnimada ahayd ee gumaysigu inaga saaray barashada cilmiga si aynu hadhaw ula xisaabtano gumaysigu raadka uu inagaga tegay kuwa ugu weyni waa Xukunkiisii oo ku jihaysnaa “QAYBI OO XUKUN”. Hormuudkiise la dagaalanka jahliga taariikhdu way xusi xilli ay noqotaba.
Haddaba iyadoo marxaladda tacliintu soo martay kala gadisnayd kalana dhib badnayd ayaynu maanta hadhsanaynaa geedkii aqoontu bixisay, si wanaagsana u intifaacsanay midhihiisii. Waxa tusaale inoogu filan heerka aynu maanta marayno, hadday noqoto dhinaca Culuumta kala gadisan amase habka axsaabta badan ee aynu maanta hiigsanayno, kadib markay silcaysay in ka badan 20 sanno oo askarnimo ah. Maanta raadkuu inagaga tegay jahligu waxa u markhaatiya in aynu u xidhnaano 100-nin oo aqoontu ku yar tahay amase u soo dhaxday iyo kuwa guulwadonimo ku soo caano maalayba, iyadoo ay weheliso askarnimo madax adagi, dhaqamadan oo baabi’iyay dhammaan haybtii aqoonyahanka iyo ehalkii cilmiga.
Isku soo duuboo waxa maanta hoggaanka dalka looga fadhiyaa inuu wax ka badalo habka guulwadaynta ee xaglinta ama nacamlaynta had iyo jeer kursiga loo nacamleeyo, iyadoo qadar shillimo iyo ammaan laga rabo masuulka. Habkan la dagaalanka aqoonta waxa had iyo jeer isku raxan ah xaq darada mar waxbay isku shubtaan. Waxa kale oo iska habar wacdaan bahda kale waxay u cidhiidhiyaan aqoonta, sidaase waxba ku hagaagi maayan arrin waa talo-wadaag iyo maamulkoo laga wada muuqdo, haddii kalana ma kala ilka qabooba oo intuu maanku gaajaysan yahayna guuli waa wale.
Haddaba, waxa dawladda Masar horjoogsatay in ay galaan jaamacadaheeda 18-arday oo u Dhashay Somaliland, kuwaas oo hore u siisay deeq waxbarasho heer dugsi sare ama Jaamacadba. Ardaydaas oo horaantii bishii May ka ambabaxay dalka, una dhoofay dhinaca Masar, caasimadeeda Qaahira, iyagoo hawsha isu dubaridkooda, maamulkooda iyo qaadisteedaba ay masuul ka ahaayeen safaaradda Nayroobi ee Masar, waxa kale oo ay bixisay tigidhadii iyo dhammaan hawlihii agaasimka dulimaadkooda ee 18-ka arday, kadibse maxay kala kulmeen ardaydii Qaahira? Waxa lagu war-geliyay in aanay diyaar u ahayn qaabilaadda ardayda, sababtoo ahna anagu maanu qaabilin reer Somaliland ee arrintayadu waxay ahayd reer Muqdisho. Bartaasay ardaydii silic iyo saxariir uga bilaabantay, arrimaha ugu weynina waa hoy la’aan iyo saad la’aan. Sidoo kale, waa dibad wareeg cidna uma maqna, ceelna uma qodna. Sideedaba ardaydu waa bir-ma-geydo, waxay ku darsadeen martinimo.
Akhristow ma hayaan xitaa caa’ilad lagu sii hagaajiyay ardaydan oo ka war haysaa, sahayna daa hadalkeeda, sida caadada u ahaan jirtay socotada.
Si kastaba wax ha u jiraane, waxaanu leenahay Xukuumadda iyo Wasaaradda Waxbarashada-ba, idinkaa ka masuulla wixii loo geysto ardaydaa la Idinkana xisaabtami doonnaa Carruurta weeraha loo logay, waxana sabab u ah qorsha la’aanta Xukuumadda ku jahwareertay Siyaasiyiinta raali-gelintooda, ilowdayna dantii ummadda maatada ah. Arrinkan foosha xumi, wuxuu xambaaro ku noqon karaa Xukuumadda raad-qaadka ah. Sidoo kale, waxay ka turjumaysaa istaraatijiyad xummada Wasaaradda Waxbarashada ee ku jihaysan bulshada iyo isku xidhnaanta daciifka ah ee xukuumadda dhexe. Sidaas darteed markay Masar cid juuq lehba wayday ayay quudhsatay ardaydeenii, iyadoo awoodda siisay Kooxda reer Carta, wallow taageero ka dhaxayso.
Sidoo kale haddii dedaalka Wasaaradu buurnaa, dhayalsi muu dhaceen, waana awood-darada masuuliyiinta Wasaarada ee aqoonta is bida, cilmigu ma aha kaad laabta ku haysato ee waa ka laga faa’iidaysto. Qisadaa yaabka leh ee ku dhacday ardaydeena, waxaan leeyahay ma jirto waxaan loo soo dhibaatoon, Samir baase lagaga baxaa, dedaallaa Xaaji Cabaas waa gaadhaa.
Guntii waxaan leeyahay, arrinkani ma aha mid fudud waa in laga hadlaa, Madaxweyne, Golayaal iyo Jaaliyadaha Dibadduba, si heer Qaran ah. Sidoo kalena, dalka laga caydhiyo kooxihii reer Masar ee macalimiinta ahaa, waayo? Xaqiraad xaqiraad ayay leedahay waayo intay joogaan dalka $2000 doollar ayay qaataan guud ahaan dadweynaha iyo ardaydaaba waxaan leeyahay fiiro gaara haloo lahaado Masar. Mawliid Saleebaan Gaboobe (Mawliid Ilka-case), Hargeysa
WAADIGA CIYAARAHA Garsoore Qanduur Oo Dacwad Ku Oogaya Warbaahinta Spain
Qaahira (Reuters) – Garsooraha caalamiga ah ee reer Masar Jamal Al-Qanduur ayaa caddeeyay in uu dacwad ku soo oogayo warbaahinta dalka Isbaanishka oo ku eedaysay inuu laaluush ka qaatay Kuuriya markii uu dhexdhexaadinayay kulankii koobka adduunka ee dhexmaray labada wadan ee Korea iyo Spain. Warbaahinta Spain ayaa daabacday in garsoore Qanduur uu gaadhi laaluush ah ka qaatay shirkad baabuurta samaysa oo Kuuriya laga leeyahay.
Taas oo sida warbaahintu sheegtay ay shirkaddu ka codsatay inuu kooxdooda siidhiga ku soo saaro. Qanduur wuxuu diiday eedaynta loo soo jeediyay oo uu ku tilmaamay mid raqiis ah oo aan wax cadaymo ah loo hayn.
Garsooruhu wuxuu eedaymahaa ku tilmaamay qaar loola jeedo in lagu waxyeeleeyo sharaftiisa garsoorenimo. Waxaa kale oo uu difaacay saaxiibadiisii kale ee la shaqaynayay.
Warbaahinta wadanka Isbaanishka ayaa bilowday dacaayado ka dhan ah garsooraha reer Masar, kadib markii kooxdoodu ka hadhay tartanka kubadda cagta adduunka.
Xulka Togdheer Oo La Guddoonsiiyay Deeq Qalabka Ciyaaraha Ah
Burco (Haatuf):- Jaaliyadaha reer Togdheer ee ku dhaqan wadamada Norway iyo Sweden ee waqooyiga Yurub ayaa qalabka ciyaaraha iyo daawo ugu deeqay xulka kubadda cagta ee gobolka Togdheer.
Deeqdaas oo uu soo gaadhsiiyay Cabdi Jaaquur oo ka mid ahaan jiray xiddigihii kubadaha gacanta xulka Togdheer ee sanadihii sideetanaadkii, waxayna deeqdaasi isugu jirtaa diraysyo, kubado iyo daawooyinka lagaga hortago dhaawacyada ciyaartoyga ka soo gaadha kulamada.
Xafladdii lagula kala wareegay qalabkaa oo ay kasoo qaybgaleen ciyaartoyga iyo mas’uuliyiinta ciyaaraha gobolka iyo dadweyne kale, waxaa ugu horaynba halkaa ka hadlay Jamaal Cismaan (J. Huuhaa) oo ah isu-duwaha ciyaaraha gobolka, wuxuuna xafladdii ka soo jeediyay khudbad kooban oo isugu jirta soo dhowayn iyo mahad-naq.
Jamaal oo ay isku waqti ahaayeen Cabdi Jaaquur oo qalabkan u siday ayaa warbixin kooban ka bixiyay, waxaanu wax ka tilmaamay kaalintii uu lahaa guulihii ciyaareed ee gobolka u soo hoyday, gaar ahaan kubadda laliska oo uu Mr. Jaauuq ka mid ahaa halbowlayaashii sheeganaa. “Marka hore waxa isweydiin leh waa kuma Cabdi Jaaquur oo ah ninka qalabkan inoo siday?” ayuu yidhi Jamaal.
Isaga oo ka jawaabaya isla su’aashaa wuxuu markale yidhi; “Waa halyay u dhashay gobolka Togdheer oo ridhood wanaagsan iyo bilado dahab ah u soo hooyay gobolkan, gaar ahaan kubadda laliska.” Isu-duwaha ciyaaruhu wuxuu u mahad-celiyay dhallinyarada is-xilqaantay oo uu Mr. Jaaquur ka midka yahay. “Waad nasoo gaadhsiisay amaanadii, anaguna waxaanu ballan-qaadaynaa inaanay ku lebisanayn cid aan u qalmini,” ayuu ku daray Jamaal.
Aadan Maxamed Ismaaciil oo ah xoghayaha ciyaaraha gobolka oo halkaa ka hadlay ayaa isna u mahad-naqay dhallinyarada reer Togdheer ee ku nool Norway iyo Sweden.
Xoghayuhu wuxuu si weyn ula dardaarmay ciyaartoyga xulka gobolka oo kulankaa goob-joog ka ahaa, wuxuuna yidhi; “xulka gobolka waxaan leeyahay waa in marwalba la yidhaahdaa reer Burcaa wata.”
Cabdi Jaaquur oo isna ka hadlay qalabkaa deeqda ah ayaa caddeeyay inay qalabkan iska leeyihiin xulka kubadda cagta ee gobolku, iyo inaanay cid kale wax shuqul ah ku lahayn. Ciyaaryahankii hore ee reer Togdheer wuxuu dhallinyarada kula taliyay inay iska ilaaliyaan qabyaalada oo uu ku tilmaamay mashaqo turunturo ku ah horumarka dhinac kasta. Waxa kale oo uu ciyaartoyga kula dardaarmay inay kor u qaadaan sumcadda gobolka. “Sanadkiiba laba jeer ayaanu deeqdan oo kale idiin soo diraynaa, haddii aad xilkiina ka soo baxdaan,” ayuu yidhi Mr. Jaaquur.
Deeqdani maaha tii ugu horaysay ee dhallinyarada reer Togdheer ee debedaha ku dhaqani ay u soo diraan ciyaartoyga kala duwan ee gobolka, waxaana ka horreeyay marar badan oo hore.
Manchester Oo La Wareegtay Rio Ferdinand
London (Reuters) – Manchester United ayaa oggolaatay inay qiimihii Ingiriiska ugu sarreeyay kaga iibsato Leeds difaaca xulka England Rio Ferdinand. Leeds waxay ku doodaysay milyan oo gini, haddase waxay oggolaatay qiime intaa ka yar. Heshiiskani wuxuu ka dhigay Ferdinand in uu markii labaad noqdo difaaca dunida ugu qaalisan. Ferdinand wuxuu markale jebiyay 22-5 milyan oogini oo Parma iyo Juventus kala siisteen difaaca Faransiiska ah ee Lilian Thuram.
Isla heshiiskan Ferdinand waxa kale oo uu jebiyay qiimihiiugu sarreeyay British-ka, kaas oo Manchester kagala soo wareegtay Lazio kabtanka Argentina, Juan Sebastian Veron oo ahaa 28.1 milyan oo gini. Guddoomiyaha Leeds Ridsdale oo ka hadlay markii la kala faasaxay ciyaaroyga ayaa u hibeeyay Manchester, wuxuuna intaa ku daray in sumcadda Ferdinand kor u soo kacaysay intii ay ka soo iibsadeen Westham.
Redsdale wuxuu kaloo sheegay in tayadiisa ciyaareed oo fiicani ay keentay inuu soo celiyo maalgelintii Leeds gelisay.
Rio Ferdinand qiimahan cusub ee la siistay wuxuu ka dhigay ninka lixaad ee dunida ugu qaalisan, waxaana ka horreeya; Zinedine Zidane, oo 46.5 milyan oo gini ay ku kala iibsadeen Juventus iyo R. Madrid. Luis Figo 37 milyan oo gini (Barcelona iyo R. Madrid), Hernan Crespo 35.7 milyan oo gini (Parma iyo Lazio), Gianluigi Buffon 32 milyan oo gini (Parma iyo Juventus), Cristian Vieri 31 milyan oo gini (Lazio iyo Inter Milan), Rio Ferdinand 30 milyan oo gini (Leeds iyo M. United).
Dhinaca kale tabobaraha Leeds Terry Venables ayaa Manchester ku eedeeyay inay dabeecad ka dhigato wax kasta inay iyadu isku dhereriso, haddana aanay u quudhayn qiime u qalma marba cidday rabto. Venables oo ka hadlay ujeedada Manchester ka leedahay Rio ayaa ku macneeyay inay ula jeedo sidiiay horyaalka ugu guulaysan lahayd.
“Hadday qaadato Rio, waxay noqonaysaa inaanu go’aansano sidii aanu culayska u saari lahayn Manchester inaanu joojino kadibna aanu horyaalka seejino,” ayuu yidhi Venables. Tabobaruhu wuxuu sheegay inaanay doonayn iibinta Ferdinand, balse haddii ay ka fursan weyday ay habboon tahay qiime u qalma inay ku helaan.
“Haddii Manchester rabto ciyaartoyga dunida ugu fiican, waxaa waajib ku ah inay bixiso qiimaha dunida ugu wacan. Waana sida dawga ah,” ayuu yidhi Venables. 23-jirka difaaca ah oo Manchester xod-xodanaysay tan iyo dhammaadkiikoobka adduunka, ayaa codsiga uu kooxda kaga tegayay u gudbiyay toddobaadkii hore, balse lagama aqbalin dalabkiisa oo waa laga diiday. Sidoo kale, Alex Ferguson ayaa tan iyo muddadaa laba goor qiimaha u kordhiyay, laakiin dhammaantood waa lagu gacan-saydhay.
Manchester waxay itaalkeeda isugu gaysay inaanu go’aanku ka dambayn maalin-badhkii Axaddii shalay oo arrinta lagu kala hagaagay.
Guddoomiyaha Leeds Peter Redsdale oo qabtay waqtiga kama-dambaysta ah ayaa aqbalay qiimaha lagu heshiiyay oo ah 30 milyan oo gini. Redsdale wuxuu dadka reer Leeds ugu duceeyay cawilsan inay helaan, halka Manchester uu u hibeeyay inay calfadaan Ferdinand.35
Jadwalka Isreeb-Reebka Qaramada Yurub
Tartanka isreeb-reebka qaramada Yurub ugu soo baxayaan koobka 2004 ka dhacaya waddanka Portugal ayaa la soo saaray.
Tartankan oo ay isku reeb-reebayaan 49 waddan, waxaa loo qaybiyay 10 qaybood oo mid waliba shan kooxood tahay marka laga reebo qaybta ugu dambaysa oo afar kooxood ah. Tartanka kama-dambaysta ah oola qabanayo 2004, waxaa laga doonayaa 16 kooxood. Sidaa darteed, tobanka qaybood mid kasta waxaa soo baxaysa kooxda ugu dhibco saraysa marka ciyaaruhu u dhammaadaan.
10-ka kooxood ee ugu soo xiga xaga dhibcaha ayaa laba laba isu arkaya min laba ciyaarood, si ay halkaa uga soo baxaan shanta kooxood ee dhimani. Dalka Portugal oo tartanka martigelinaya ayaa si toos ah uga qaybgelaya tartanka oo aan isreeb-reebka ka qaybgalayn.
Isku-aadkii kooxuhuna waa sidan:
|