Somaliland Iyo Ethiopia: Xidhiidhkii Hore

Iyo Socdaalka Maanta Ee Madaxweyne Rayaale

 

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay socdaal rasmiya ku tegay caasumadda Itoobiya ee Adis-ababa, halkaas oo ay wada hadalo kula soo yeellan doonaan madaxda dawladda Itoobiya, waxayna booqashada madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu ay ku tageeb Itoobiya ka dambaysey martiqaad ay ka heleen dawladda Itoobiya.

 

Madaxweyne Rayaale waxa socdaalkiisa ku weheliyey masuuliyiin xukuumadiisa ka tirsan, waxaana ka mid ahaa ragga u sii raacay Adis-ababa: Wasiiradiisa arimaha debedda iyo ganacsiga, Maxamed Siciid Gees iyo Rashiid Xaaji Cabdilaahi. Waxa kale oo ka mid ahaa gudoomiyaha Baanka, C/raxmaan Ducaale, afhayeenkiisa madaxtooyada, Cabdi Idiris Ducaale, la taliyihiisa dhinaca ciidamada, C/semed Xaaji C/laahi, waxa kale oo madaxweyne Rayaale safarkiisa Itoobiya u sii raacday marwadiisa, Marwo: Huda Barkhad.

 

Safarkan uu madaxweyne Rayaale ugu kicitimay dalka Itoobiya waxa uu ahaa mid la sii ogaa in muddo ah, ilaa markii uu Somaliland booqashada ku yimi wefti uu hogaaminayey wasiiru-dawlaha arimaha debedda xukuumadda Itoobiya bishii May ee ina dhaaftay, waqtigaas oo uu wasiiru-dawlahaasi si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Males Zenawi martiqaad uga sido madaxweynaha Somaliland. Hase yeeshee weftiga xukuumadda Itoobiya ee martiqaadka ra’iisal-wasaarahooda ku wargeliyey madaxweyne Rayaale wax tafaasiil ah kama ay bixin ujeedada martiqaadka iyo hadii ay jiraan ajandayaal ay labada dhinac ( Somaliland & Itoobiya ) ka wada hadlayaan waxa ay yihiin.  Sidoo kale madaxweyne Rayaale oo shalay dhabaha diyaaradda kula kulmeen dadka wararka faafiyaa wax war ah oo ku saabsan socdaalkiisa ma bixin, wuxuuna weriyayaasha si kooban ugu yidhi “ Maanta ma jiro war aan bixiyaaye soo noqodka haynoo ahaato”. Hase yeeshee warar kale oo la xidhiidha safarka ay madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu ku tageen Itoobiya ayaa tibaaxaya inay madaxda labada dhinac ugu yaraan ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada dhinac, hadii ay tahay dhinaca siyaasadda iyo hadii ay tahay dhinacyada baayac-mushteriga iyo iskaashiga dhaqaalaha, iyadoo waxyaalaha kale ee hore uga dhexeeyey labada xukuumadood ay ka mid yihiin mucaamil iyo wada shaqayn ku saabsan amniga iyo iskaashi dhinaca ciidamada ah.

 

Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu booqasho dhawr maalmood ah ayey ku joogi doonaan caasumadda Itoobiya ee Adis-ababa, waxayna halkaa kulamo kula yeellan doonaan qaar ka tirsan masuuliyiinta dawladda Itoobiya oo uu ka mid yahay Ra’iisal-wasaare, Males Zenawi, iyadoo ay dawladda Somaliland magaalada Adis-ababa ee caasumadda Itoobiya ku leedahay xafiis uu u fadhiyo wakiil aanay derejadiisu gaadhsiisnayn heer safiir, isla markaana inkasta oo uu labada dal (Somaliland & Itoobiya) u dhexeeyo sokeeyo iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo ay yuhuuntiisu fiican tahay, haddana ilaa hadda inta la ogyahay ma jiro heshiis dhaqaale, ganacsi, siyaasadeed ama wax isdhaafsi ama iskaashi nooca uu doono ha ahaadee oo inta si rasmi ah qalinka loogu duugay dhaqan gal noqday, wayse jirtay marar dhawr ah oo ay wufuud heer madaxweyne, heer wasiir iyo heer kastaba leh oo booqashooyin ku tegey dalka Itoobiya, wada hadalona la yeeshay madaxda dawladda Itoobiya, islamarkaana markii ay soo  laabteen ku waramay inay arimo badan oo la xidhiidha dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo ganacsiga isla soo meel dhigeen masuuliyiinta dawladda Itoobiya. 

 

Hase yeeshee marka laga reebo iskaashi dhinaca ciidamada ah oo la dareensan, laakiin aan laga wada dheregsanayn inta ay qotadiisu le’eg tahay iyo isu socodka dadyowga labada dal iyo xidhiidhka sokeeyenimadu ka dhadhamayso ee dhinaca siyaasadda, ma jiro heshiish ka mid ah heshiisyadaa hore afka loogu dhuftay oo si shilis oo la taaban karo u tamariyey ama looga faa’iidaystay. Hase yeeshee waxaynu ka war sugaynaa bal waxa ay doorkan la soo guryo noqdaan madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu, iyadoo uu socdaalkani yahay kii labaad ee uu madaxweyne Rayaale debedda ugu baxo muddo afar bilood iyo labaatan maalmood ah oo uu talada hayey, taas oo uu madaxweyne Rayaale socdaalkiisii u horeeyey ku tegey dalka Jabuuti bishii May ee ina dhaaftay.

 

Madaxweyne Rayaale markii uu ka ambabaxayey Hargeysa waxa dhabaha diyaaradaha ku soo dhoweeyey masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladda oo uu ka mid ahaa madaxweyne-kuxigeenkiisa, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo shirgudoonada labada gole ee baarlamaanka, wuxuuna madaxweyne Daahir Rayaale garoonka salaan sharaf kaga qaatay cutub ka tirsan ciidanka Qaranka (Milateriga) iyo kooxda baanboyda booliska, isla markaana waxay madaxweynaha iyo weftigiisu dhinaca Itoobiya u qaaday diyaarad khaas ah oo ay u soo dirtay dawladda Itoobiya.

 

Marka laga yimaado masuuliyiinta sar-sare iyo maamulayaasha dawladda ee ka qayb galay sii dhowaynta weftiga madaxweynaha waxa kale oo ay, iyaguna bidhaantoodu meesha ka muuqatay rag door ah oo ka mid ah siyaasiyiinta ururada siyaasadda iyo duqay kale.

 

Inkasta oo ay dad badan oo kale nooc nooc ahi isa soo dhoobeen madaarka si ay uga qayb qaataan sii dhowaynta weftiga madaxweynaha, isla markaana ay garoonka gaaf-wareegayeen cutubyo ka tirsan ciidamada amniga oo ay ku jiraan koofiyad-casta ilaalada madaxtooyadu, haddana marka loo eego waqtiyada qaarkood way sixmada iyo arbush xad-dhaaf ah oo had iyo goor xaaladda iyo dhaqdhaqaaqa madaarka murgin jirey. 

 

“Daaya waxay sawiranayaan ha sawirteene” sidaa waxa yidhi madaxweyne Rayaale, wuxuuna hadalkaa ku tiraabay, isaga oo fadhiya qolka nasashada ee madaarka, wuxuuna sidaa ku yidhi taliyaha ciidanka Sirdoonka oo magaciisa la yidhaahdo Ibraahin Doodi, iyadoo uu madaxweyne Rayaale taliyihiisa Sirdoonka ka waabinayey weriyayaasha oo markaa ku gudo jirey hawl gudasho saxaafadeed, laakiin uu taliyaha Sirdoonku ku soo haliilay qaar ka mid weriyayaasha, iyadoo ay taasi tahay caadada qaar badan oo ka mid ah saraakiisha ama askarta amniga oo ay khaati ka joogsadaan suxufiyiintu xiliyadaas oo kale, waxaana ragga noocaa u dhaqma lagu tilmaami karaa niman ka qaafil ah waajibaadka saxaafadda iyo sababta ay dadka wararka faafiyaa u yimaadaan goobahaas oo kale.

 

Siyaasiyiinta Somaliland

Hankoodu Ma Kursibaa, Mise…?

Faallo: Cumar Daahir Cumar.

 

 

Fagaaraha kheyriyada ee magaalada Hargeysa ama goobaha kulamada dadweynaha iyo raga siyaasada ku lugta leh ee Somaliland sida Burco, Berbera, Boorama, Ceerigaabo, Gabilay, iyo Laas-caanood, waa goobo muddo dheer ku caan ahaa hadalo khudbadeed oo uu masuul u jeediyo dadweynaha dhagaysanayaa waxa ay inta badan dadku aragtiyo kala duwan ka qabaan ujeedada runta ah ee khudbadaha inta badan raga ku hawlan siyaasada oo uu hadalkoodu u badan yahay kuwo ka hadlaya danaha khuseeya ummada, laakiin waxaa jirta xan ah in aan siyaasiyiintu u wax qabad macaanayn sida ay u hadalo macaanyihiin, gaar ahaan waxaa xusid mudan xataa haddii qaarkood heleen fursadii wax lagu qaban lahaa waxa dhacda inuu haddana sheego cudur daaro kale oo ku gudbayo su,aasha ah maxaad wax u qaban weyday.

 

Inta badan waxa lagu arkaa S/land nin dhaliilaya nidaam maamul oo walliba si fog u dhaliilaya, waxaase dhacda haddii shaqsiga loogu yeedho inuu xil ka qabto nidaamkii uu dhaliilayay, inta badan qofkaasi islamarkaaba wuxuu badalaa lahjadiisii uu wax ku dhaliili jiray, waliba waxa uu aad isugu taxalujiyaa inuu cudur daar u sameeyo boogaha aad u muuqda.

 

Sida inta badan ka dhacda dunida qaarkood dalalka loogu yeedho in ay horumareen waxaa jirta in tixraaca lagu kal doorto siyaasiyiinta uu yahay Aaminsanaanta qaababka hore loo sii ogyahay ama Barnaamijka Xisbiyada ay ka tirsan yihiin oo dadku kala dooranayo qaarba nin iyo nooc Siyaasadeed ay u arkaan inuu yahay kan horumar gaadhsiinaya Bulshadooda.

 

Shaki kuma jiro in dadka reer S/land ay weli saamayn weyn ku leedahay doorashadu haybta beeleed ee uu qofku ka soo jeedo, taasi laakiin ma aha eed ay dadku leeyihiin ee waa fikir ay dadka gashadaan raga ka farsamo bartay dhinacaa si ay u helaan salaankii ay ku gaadhayeen danahooda qofeed.

 

Inay siyaasiyiinta Somaliland ay isku howlaan wax ka qabashada danaha ummadooda iyo inay u heelan yihiin hanashada kursi maamul waxa laga dheehan karaa kolba sida loo dhugtay danaha halbowlaha ee dadweynaha reer S/land iyo deegaanada ay ku noolyihiin meelaha la eegayaana waa baahiyaha aasaasiga ah sida caafimaadka, Waxbarashada, biyaha, nadaafada, shaqo siinta, kor u qaadista dakhliga iyo horumarka wax soo saarka (Beeraha,Xoolaha,Macdanta,Iwm). Marka Somaliland masuulka loo dhiibo xil waxaa inta badan si degdega loo arkaa isbedel ku yimaada noloshiisii intii aanu xilka qaban, laakiin dadka uu masuuliyada u qabtay hay’ad ahaan hawsha khusaysa inta badan wax la taaban karaa uma kordhaan meelaha qaarna waxbaaba ka sii dhaca sidii ay sanado kar hor ahayd.

 

Marka aynu arrinmahan u qiimayno sida ay yihiin waxaa muuqaynaysa in ay dadweynuhu yihiin kuwa ay faraha ugu jirto awooda badan oo haddii ay iskaashadaan dan u noqon lahayd horumarinta danahooda, taasi waxay noqon kartaa iyagoo aan ka gaban ceebna aanay ahayn hebel wax buu qaban karaa oo uu dhisi karaa, hebelna wax ma dhisi karo, oo hadalkaa uu ku hadlayana ficil ahaan uma fulin karo.

Haddii ay talaabadan qaadaan dadweynuhu waxay noqon lahayd qaab lagu kala sooco siyaasiga kursi doonka ah, iyo raga ku abtirsada macnaha runta ee siyaasada ee hindisi kara hanaan kolba lagu xaliyo howlaha la soo dersaya ummadiisa.

 

Arrintan soo bandhigeedu waxaa uu u muuqan karaa mid ku haboon xiligan oo  Somaliland ay aad uga dhex sanqadhayaan Boodo ciyaareed Siyaasadeed oo jiibtooda iyo jaantooda aanay u dhexayn jaranjarooyin badani,.

 

Hase yeeshee, aan la moogaan karayn sida uu u kala duwan yahay miisaanada Ragga xubnaha ka kala ah iyo kuwa Hogaaminaya, magac iyo maamuus intaba.

 

Ujeedada raga shaalka usoo qaatay tartanka fagaaraha siyaasada ee S/land waxay doonta ha ku aroortee kursi, wasiir, maamule, Maayor, Agaasime, Badhasaab M/weyne K/xigeen ama Madaxweynahaba waxaase xusid mudan inay shacbi weynuhu maskaxda ku hayaan iyo inay faaleeyaan oo ay si guud iyo si gaar gaaraba diirada u saaraan siyaasiga hanan kara hanaan waxtar muuqda u Ieh horumarintooda guud iyadoo ay arrintani saamayn weyn ku yeelan doonta mustaqbalkooda iyo noloshooda kolba sida saxa ah ama sida khaldan ee ay ku saleeyaan cida ay dooranayaan.

 

Q. Midoobay Oo Qorshe Cusub U Dejinaysa Hannaanka Kaalmooyinka Soomaalida La Siiyo

 

Hargeysa (Haatuf): Isuduwaha Qaramada Midoobay gargaarka Aadamnimo ee Soomaaliya, ahna Madaxa UNDP Soomaaliya, Maxwell Gaylard, ayaa shalay uga furay Hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa khuburo ka socota laamaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Gobolka iyo Beesha Caalamka shir-hawleed salka loogu dhigayo qorshe lagu caawinayo dadka Soomaalida ah ee jilicsan ama dhibaataysan.

 

Mr. Gaylard oo ay weheliyeen xubno ka tirsan ka-qayb-galayaasha shir-hawleedka oo ay ka mid yihiin Mr. Calum Mclean oo madax ka ah qaybta isuduwidda hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Maxamed C/risaaq iyo Moi Xuseen oo iyaguna ka tirsan cutubka isuduwidda gargaarka iyo Sonya Laurence Green oo wararka u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa shir-jaraa’id oo uu xalay ku qabtay xarunta Raadiyow Hargeysa, waxa uu faahfaahin kaga bixiyay qorshe cusub oo Qaramada Midoobey u dhigayso dhammaanba dadka jilicsan ee Soomaaliya.

 

Gaylard waxa uu sheegay in shir-hawleedkaas oo saddex maalmood ah uu yahay mid jid cusub loogu raadinayo sida ugu haboon ee Soomaalida loo caawin karo, isaga oo sheegay in qorshahani aanu ku koobnayn keliya, qaxootiga dib u soo noqday, dadka laga tirada badan yahay, dadka dhaqaaluhu barakiciyey, danyarta iyo dadka dalka gudihiisa qaxootiga ku ah, laakiin uu yahay mid wada daboolaya dhammaanba dadka jilicsan ama dhibaataysan.

 

Waxa uu xusay in aan laga warami karin dhibaatadii iyo jaahwareerkii Soomaaliya soo maray10-kii sannadood ee ia dhaafay iyo in ay Soomaalidu tahay dad wax curin kara oo shaqada adag aan ka baqin, isla markaana ay leeyihiin ilo wax soo saar, inkastoo aanay u laxaad weyneyn sida dalalka qaar, haddana ah ilo ay ka faa’iidaysan karaan.

 

“Meelaha Soomaaliya ee Waqooyi Galbeed (Somaliland), Waqooyi Bari, Koonfurta iyo Koonfur-galbeed, waxa jira boqolaal kun oo Soomaali ah oo run ahaantii u halgamaya noloshooda, una baahan in la caawiyo,” ayuu yidhi Gaylard.

 

Waxa kale oo ay sheegeen in Qaramada Midoobay iyo kuwa wada-shaqeeyaan ay caawinayaan maamulada Soomaaliya iyo ururada bulsho ee madaniga ah, si ay u helaan dadka jilicsan ama dhibaataysan ee baahida weyn u qaba in si degdeg ah looga caawiyo adeegyada aasaasiga ah, sida; Biyaha, nadaafadda, caafimaadka iyo waxbarashada, isla markaana waxa jiri doona qorshe wakhtiga dheer ah oo ku waajahan kabashada iyo horumarinta oo loo diyaarinayo.

 

“Tani waa hawl adag, laakiin waxaan filayaa in la gaadhay wakhtigii dariiqyo cusub loo raadin lahaa oo looga gudbo caqabadaha,” ayuu yidhi Gaylard.

 

“Waxaanu doonaynaa in aanu kulmino cidkasta oo la caawin karo,” ayuu raaciyay.

 

Waxay sheegeen in Soomaaliya meelo ka mid ah aanay weli gaadhin hay’aduhu xasilooni-darro ka jirta awgeed, taasina ay tahay caqabad weyn oo hortaagan in la caawiyo dadka dhibaataysan.

 

Abuurista qorshaha cusub ka qayb-galayaashu, waxa ay dersayaan warbixino door ah iyo daraasado laga sameeyay sahaminta xaaladda dadka dhibaataysan ee Soomaaliya oo dhan.

 

Khilaafaad Ka Dhex Dilaacay

Caano-Diiqda Deegaanka Gabiley

 

 

Gabiley (Haatuf): Khilaafaad iyo buuq la xidhiidha hanaanka ganacsi ee caanaha xoolaha ayaa maal-mahan ka dhex-aloosmay dadka ka baayac-mushtareeya caanaha xoolaha ee ku dhaqan degaamada gebilay iyo jiidaha ood-wadaagta la ah oo isugu jira degaamo Somaliland ah iyo degaamo u talowsan dhulka kililka 5aad ee Itoobiya .  Khilaafaadkaa oo inta badan ku salaysan jiritaanka urur la yidhaahdo Barwaaqo oo ay ku bahoobeen dad badan oo ka mid ah dadka caano-diiqda ah ee degaamadaa, iyadoo la sheegay inay qaar ka tirsan dadka caano-diiqda ah ay ka soo horjeesteen xeerar uu ururkaasi u sameeyey hanaanka ganacsi ee caanaha, iyaga oo dadka ka soo horjeestay jiritaanka ururkan iyo xeerarkiisa xakamaynaya ku takri-falka dhaqdhaqaaqa ganacsiga caanaha ay qabaan ama ku doodayaan inuu qof waliba iskii uga baayac-mushtareeyo, taas oo macneheedu yahay inay meesha ka baxdo xakamaynta iyo xeerarka uu ururkani ku soo rogay dhaqdhaqaaqa ganacsiga caanaha.

 

Weriyaha Haatuf ee Gebilay, Maxamed Xasan ayaa sheekooyinka la xidhiidha ururka caano-diiqda iyo khilaafaadka la jaan-qaaday war-bixin nooga soo ururiyey, wuxuuna warbixintiisa ku bilaabay:

“Iyadoo uu dhaqdhaqaaqa ganacsiga caanaha xoolaha nooli kaalin muuqata kaga jiraan horumarka ganacsiga iyo wax soo saarka nolosha bulshada ayaa degaamada gebilay iyo jiidaha Ood-wadaagta la ah waxa jira dad badan oo ka ganacsada caanaha xoolaha, kuwaas oo ay intooda badani caanaha u iibgeeyaan caasumadda Hargeysa.

 

Dadka caano-diiqda ah waxa jira urur ay dhowaan samaysteen oo la diiwaan geliyey, iyadoo ururkaa loo sameeyey xeerar iyo nidaam maamul oo ay ku heshiiyeen dadka ururkaa ku bahoobay, waxayna dadka ururkaa ku bahoobay u badan yihiin dadka caanaha u rara magaalada Hargeysa, isla markaana sida ay ii sheegeen dad aan la sheekaystay waxa ururkaa ku bahoobay dad badan oo muddo dheer ka soo shaqaynayey hawlaha ganacsiga caanaha. Hase yeeshee waxa maal-mahan dambe soo if-baxay khilaafaad ka dhex muuqday ururka, taas oo la ii sheegay in dad ganacstada caanaha ka mid ahi olole ugu jiraan sidii uu ururkaasi meesha uga bixi lahaa, taana loogu bedeli lahaa inuu qof waliba iskii uga ganacsado caanaha, halka uu iminka xeerka ururku dhigayo in qofka caanaha ka baayac-mushtareeyaa uu xubin ka yahay ururka hadii la xanibayo dhaqdhaqaaqiisa ganacsi.

 

Dadka sida weyn uga dhex muuqda dhaqdhaqaaqa ganacsiga caanuhu waxay guud ahaan u qaybsamaan laba kooxood oo kala ah: dadka leh baabuurta xaajiyadaha ah ee caanaha daabula iyo kooxda kale oo ah dadka iska leh caanaha la iibgeynayo.

 

Xubno ka mid ah dadka caano-diiqda ah oo aan la kulmay ayaa ii sheegay inaanay dani ugu jirin ururnimada, iyaga oo ii muujiyey inay sababtuna tahay caanaha oo waqtigan xaadirka ah yaraaday, sidaa darteed ay door bidayaan inay iskood isaga maxaafadsadaan, iyadoo ay Xubnaha baabuurta caanaha daabusha qaarkood-na sheegeen inay doonayaan inay baabuurtoodu u hesho xoriyad ay ku shaqaysato.

“Waa nala ganaaxay oo lacagtayadii waxa nalagaga qaaday xoog”, sidaa waxa yidhi xubno ka mid ah haweenka ka ganacsada caanaha, kana mid ah ururkaa oo ka dacwoonaya lacag la ganaaxay, iyadoo sababta loo ganaaxayna lagu sheegay, iyaga oo baal-maray qoddobo ka mid ah xeerarka ururkaasi u dejiyey hanaanka ganacsiga caanaha ee degaamadaa.

 

Waxa kale oo ka mid ah arimaha khilaafkani ka abuurmay kooxo dhowaan ku soo biiray dhaqdhaqaaqa ganacsiga caanaha, kuwaas oo ay ganacsatada ururka ku jirta iskaga hor yimaadeen goobo ka mid ah xeryaha caanaha laga soo iibsado oo ay dadkan cusubi caano ka soo daabusheen, iyadoo ay meelahaasina yihiin seerayaasha u xidhnaa ganacsatada ku jirta ururka u diiwaan gashan ganacsiga caanaha, wuxuuna khilaafka ugu badani hadda ka taagan yahay qoddobkaa, taas oo ay doodda ugu kululi ka taagan tahay ururka hala baabi’iyo iyo xaq looguma leh urur wadaniya oo si sharci ah u jira in la yidhaahdo hala baabi’iyo.

 

Khilaafaadkani waxa uu keenay dacwado ka dhex-aloosmay dadka ka ganacsada caanaha, iyadoo ay dad badan oo ka tirsan ganacsatada caanuhu hadda iskula jiraan saldhigyada booliska ee ku yaal degaamada caanaha laga iibsado. Meelahaas oo ay ka mid yihiin degmada Aw-barre oo ka tirsan kililka 5aad ee dalka Itoobiya iyo Tog-wajaale iyo Gebilay oo degaamada Somaliland ah iyo meelo kale, iyadoo ay khilaafaadka iyo Ashkatooyinkan cusubi sababeen in la xidh-xidho qaar ka tirsan ganacsatada caanaha, waxaana dadka la xidhay ka mid ah gudoomiyaha iskaashatada caanaleyda ee loo yaqaan barwaaqo, Maxamed Faarax Ciise.

 

Gudoomiyaha ururka caanaleyda ee Barwaaqo, Maxamed Faarax oo aan ka waraystay khilaafaadka ka soo if-baxay jiritaanka ururkiisa ayaa ugu horeyn yidhi; “Ururka waxa la aasaasay horraantii sannadkii 2001, ujeeddada loo aasaasayna waxay ahayd wax ka qabashada ganacsiga Caanaha iyo gaadiidka lagu daad-gureeyo iyo in la is caawiyo, la isna kaashado, si horumar loo gaadho, waxaana aanu xeer qabta qofkasta oo ururka ka mid ah iyo gaadiidkaba, qofkasta oo ururka ka mid ahi bishii wuxuu bixiya 60-dan Birr oo dhigaal dhaqaale ah, taas oo aanu ku caawino qofka dhibaato  ku timaado ee ururka ka tirsan, qofka dumar ah ee umusha waanu caawinaa”.

 

Gudoomiyuhu, isaga oo ka waramaya mucaamilka gaadiidka caanaha daabula waxa uu yidhi “Gaadiidku fursado ayey kala leeyihiin, sida: A & B, baabuurka khalad ku sameeya nidaamkana waxa laga qaadaa lacag ganaax ah oo gaadhaysa 500,000 Sh.Sl. ah”, sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu ka waramay, wuxuuna yidhi “Qofka boos uu qof caano ka qaatoku qabsada, isagana waxa la ganaaxaa 300,000 Sh.Sl. si dhibta iyo isku dhacyada ganacsatada caanuhu u yaraado”.

 

Gudoomiyaha mar aan waydiiyey sababta keenaysa isku dhacyada ganacsatada caanaha waxa uu ku jawaabay “ Dadku hadii uu shaqo isugu yimaado nooc walba waa laga helaa, khilaafkana waxa wada saddex gaadhi oo diiday wixii aanu ku heshiinay urur ahaan, laakiin ururka, iyaga ururka iyaga loo baabi’in maayo, waana xor oo ma jirto cid aanu anagu khasbaynaa”.

 

Maxamed Faarax, isaga oo ka hadlaya sharcinimada ururkiisa waxa uu yidhi “ Ururkani waa urur sharci ah oo ka diiwaan-gashan Somaliland iyo degmada Awbarre (Itoobiya), waana urur ay ummad badani ku bahoobeen, waxaanuna ka codsanaynaa dhammaan hayadaha nabadgelyada dawladda inay wax nagala qabtaan cidda wiiqaysa jiritaanka ururkan wadaniga ah oo ah urur ay ku bahoobeen ganacsatada caanoleyda ahi, habeen iyo maalinna u halgamaya keenista caanaha xoolaha, iyadoo ay taa dani ugu jirto dadka ka ganacsada caanaha iyo dadka ku nool meelaha caanaha loo iibgeeyo ee ay caasumadda Hargeysa ka mid tahay”.

 

Gudoomiyuhu waxa kale oo uu ii sheegay in kaantaroolka Caabudla laga furay Kastam cusub, halkaas oo ay dawladda hoose ee gebilay ku cashuurto caanaha, iyadoo buu yidhi baabuurta caanaha sida koontaroolkaa lagu hakiyo, taas oo xaajiyad kasta laga qaado 30,000 Sh. Sl., laakiin waxa uu gudoomiyuhu cabasho ka muujiyey baabuurta caanaha sida oo uu sheegay in lagu xanibo koontaroolka Caabudla, taasina ay keento inay caanuhu dhanaan noqdaan, qaarna ay baqaan-ba, halkaana uu khasaare ka soo gaadho ganacsatada caanaha.

 

Taliye-xigeenka saldhigga booliska degmada gebilay oo aan isna wax ka waydiiyey dacwadaha iyo buuqa ka taagan ganacsiga caanaha iyo jiritaanka ururka la yidhaahdo Barwaaqo ayaa ii sheegay inaanu ilaa hadda soo gaadhin ama loo keenin sharciyadda ururkaasi.

 

Bisad Sababtay Gubashada Saddex

Dukaan Oo Ku Yaallay Suuqa Boorama

 

Boorama (Haatuf): Ugu yaraan saddex Dukaan ayaa ku basbeelay ka dib markii uu habeen hore dab qabsaday iyadoo ay ku gubteen dhammaan hantidii dhextaalay balse wax dad ahi waxba kumay noqon.

 

Sida uu ku soo waramay wariyahayaga gobolka Awdal dabkan oo bilaabmay saddexdii habeenimo waxa uu ka Dhashay markii ay bisadi alaab dhextaalay mid ka mid ah dukaanada ku soo daadisay faynuus, halkaas oo dab ka Dhashay aakhirkiina wada gaadhay saddexda Dukaan oo isku dhismo ahaa una dhaw bacadlaha weyn ee Boorama.

 

Dabkaasi oo socday ilaa 5arroornimo oo aan la bakhtiin sababta oo ah waxa uu kusoo beegmay xili ay dadku wada hurdaan suuqyaduna ay cidlo yihiin sidaa darteedna aan la helin gurmad bakhtiiya dabkaasi.

Waa markii saddexaad ee uu dab qabsado dhismayaasha ku yaalla Boorama iyadoo kii ugu danbeeyay uu dhacay bil ka hor kaasoo qabsaday goob dawaarle ah sababta uu dabku u fidayana waxaa la sheegay inay tahay dabaylo xoog leh oo xiliga habeenkii ka jira Boorama.

 

Waa Sidee Xaaladda Madaarka Hargeysa?

Warbixin – Maxamed/Rashiid Muxumed Faarax

 

Hargeysa (Haatuf): Madaarka caasumadda Hargeysa, inkasta oo uu yahay meel ay ku soo jiidanayso dhaqdaqaaqa badan ee had iyo goor ka muuqda iyo jawiga xasiloonida badan ee ay xaaladiisa nabadgelyo ku sugan tahay, haddana taa macneheedu ma aha inay wax waliba u shaqeeyaan si shilis iyo inaanay jirin wax qabyo ahi. Sidaa darteed waxa jira duruufo iyo qabyo badan oo ka muuqda adeegyada madaarku u baahan yahay.

 

Duruufaha iyo gol-daloolooyinka farta lagu fiiqi karo ee madaarka Hargeysa waqtigan xaadirka ah ka muuqda waxa ka mid ah: Xaalad laydh la’aan ah oo madaarka haysata xiliyada habeenka iyo arrad godad iyo qad-qatin leh oo ka muuqda dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan ama soo cagodhigtaan.

Sida uu ku waramay weriye Haatuf ka tirsan oo u kuurgalay xaaladaha madaarka waxa ka mid ah duruufaha ka muuqda madaarka laydh la’aan. “ Waxaan arkay askarta ilaalada madaarka oo uu iftiinka keliya ee ay dugsanayaan yahay dab ay xaabo ku shideen” ayuu weriyaha ku sheegay war-bixintiisa, iyadoo laga yaabo inay madaarka habeenada qaarkood u hoydaan afar ilaa shan diyaaradood oo ay ka mid yihiin diyaaradaha yar yar ee shirkadaha iyo kuwo ay UN-tu leedahay.

 

Dhabaha ay diyaaraduhu ka boodaan ama ku soo degaan, inkasta oo marar dhawr ah dayactir lagu sameeyey ama wasaaradda duulista Somaliland ha dayactirto ama ECAO ha dayactirtee, haddana waqtigan xaadirka ah waxa oogadiisa ka muuqda burbur iyo godad qad-qatin leh oo waxyeelo u geysan kara diyaaradaha dhabaha isticmaalaya, waxaase hadda wax ka qabashada dhibaatadaa inay isu xil-qaamaan iska kaashaday saddex shirkadood oo, kuwa diyaaradaha ah, kalana ah: Daallo, Star iyo Damal, iyadoo ay hawlo dayactir hore dhabaha uga qabteen hayadda ECOA iyo hayadda kale ee wadaniga ah ee la yidhaahdo NASHA, taas oo ay wasaaradda duulista hawadu tahli kari wayday inay wax yarna ka qabato duruufaha ka muuqda madaarka.

 

Qaar ka tirsan dadka u dhuun-daloola ama xog-ogaalka u ah arimaha madaarka ayaa Haatuf u sheegay inuu madaarku lahaa mishiin yar oo ah nooca loo yaqaan Yanmer-ka oo shidi kari jirey laam-bado ay tiradoodu yar tahay,  laakiin aanu mashiinkaa laftiisu shaqay laga soo bilaabo ilaa Jananweri, 2002, taas oo la sheegay inay ugu wacan tahay Shidaal la’aan, taas oo noqonaysa wax lala yaabo, waayo marka laga yimaado dawladda kale waxa wasaaradda duulista hawada oo keliya u soo hoyda dakhli aad u badan. sidaa darteed waxa wax lala yaabo in marka madaarka loo waayo mishiin ku filan oo loo shido, mar labaadkana xabadii yarayd ee u taalay loo waayo Shidaal yar oo lagu siraado.

 

Dhinaca kale shaqaalaha ka hawl gala madaarka Hargeysa waxay u qaybsan yihiin saddex qaybood ama nooc oo ay gacanta ku kala hayaan wasaaradda duulista hawada, hayadda duulimaadyada caalamiga ah ee ECOA iyo hayadda wadaniga ee NASHA, waxaana saddexdaa qaybood ee shaqaalaha madaarka daryeel ugu liita qaybta ay wasaaraddu gacanta ku hayso.

 

Marka laga yimaado dakhliga ka soo xerooda Xafiisyada ay madaarka ku leeyihiin hayadaha kala ah: Kastamka, Waaxda socdaalka, baanka, NASHA iyo lacagta rooyalinka loo yaqaan ee ECOA, waxa kale oo ay wasaaradda duulista hawadu qaadaa lacago ay ka mid yihiin Handlin-fiiga oo uu ka soo xeroodo dakhli badani, waxaana madaarka Hargeysa hadda isticmaala ilaa 5 shirkadood oo ay afar ka mid ahi yihiin shirkado wadani ah iyo shirkadda Ethiopian Airline iyo weliba diyaaradaha qaramada midoobay, shirkadaha oo toddobaadkiiba ay madaarka diyaaradahoodu ku sameeyaan dhawr iyo labaatan duulimaad, isla markaana ay maalin walba soo kordhayaan shirkado cusubi, sida Afrikan Express.

 

Waxa dhacda inay dib u dhacaan diyaaradaha waqtiyada qaar ka imanaya dhinaca Nayroobi, iyadoo ay sababtuna tahay xiligii habeenka ee ay ku soo beegnaayeen madaarka oo madow noqda.  Waxa kale oo jira gaadiid iyo qalab kale oo ay dhowaan wasaaradda duulista hawadu ka soo iibisay, laguna soo iibiyey lacag badan hadda ma shaqeeyaan, sababtana waxa lagu tilmaamay cillado farsamo oo ay la soo degeen, laakiin hayadda NASHA oo hadd ka shaqaysa adeegga madaarka ayaa dhowaan keensatay qalab cusub oo ay kaga shaqayso adeegyada madaarka.

 

Si kastaba arintu ha ahaatee waxay is-waydiintu tahay marka waxa kale oo dhan laga yimaado wasaaradda duulista hawadu miyey tahli kari wayday inay mishiin yar u soo iibiso madaarka caasimadda, waxaase muuqata hagrasho iyo dayac aan loo baahnay. Hase yeeshee, waxa lagama maarmaan ah in arimahaa dhakhso wax looga qabto, lana daboolo gol-daloolooyinka ka muuqda madaarka caasumadda.

 

Guddoomiye Ku-Xigeenka Suuqa

Gobanino (Ex-Xisbiga) Oo La Dhaawacay

Hargeysa (Haatuf): Guddoomiye ku xigeenka guddiga suuqa bacadlaha Idaacada ama Gobanimo Ibraahim Xuseen Yuusuf ayuu dhaawac madaxa ka soo gaadhay, kadib markii ay weerareen xubno ka mid ah guddiga bacadlaha oo ay isku maandhaafeen qaabka loo qaybinayo guryaha cusub ee loo dhisay suuqaasi.

Ibraahim Xuseen oo dhaawacu soo gaadhay habeen hore, markii ay saddex nin si gaadmo ah u soo weerareen isaga oo ku hawlanaa qaybinta guryaha cusub, iyaga oo la sheegay inay diidanaayeen hab qori-tuur ah oo lagu qaybiyo guryaha.

 

Markii ay madaxda guddigu ka codsadeen inay joojiyaan guryo ay iska furteena waxa ka dhashay khilaaf dhexmara guddiga, kaas oola sheegay inuu garnaqiisu gaadhay ilaa wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay arrinta ka wada hadleen, ciidanka Booliska ayaana haatan gacanta ku haya saddex nin oo loo haysto inay falkan ku kaceen, iyaga oo Boolisku baadhaya sidii ay arrintani ku timid.

 

Ibraahim Xuseen oo shalay gelinkii dambe u waramayay saxaafaddu wuxuu sheegay inay dhibaatadani ku soo gaadhay isaga oo gudanaya waajib saaran, uuna ku hawlanaa hagaajinta iyo nidaaminta suuqa cusub ee Gobanimo.

 

Kililka 5-Aad Iyo Xaaladda Maanta

Muuse F. Jaambiir

 

 

Waa deegaan horumar ahaan aad u hadhay oo aan la beretami karin goboladda kale ee dalka. Dad badan oo aan arkini, waxay u haystaan inuu yahay Qorfo hawd ah oo aan qaneecaad kale lahayn, hase yeeshee malaha, xaqiiqadu sidaas maaha. Inkastoo wakhti badan oo qalafsani soo maray deegaankaa, haddana maanta wuxuu u muuqdaa mid waxoogaa dadkiisu indhaha soo kala qaadayaan oo ku sugan duruuf ka ladifan tii hore u soo martay, nolol ahaan iyo siyaasad ahaanba. Waxaa hadda ka socda halgan dib loogu dhisayo nolosha, waxaa la doonayaa in ay bulshada deegaankaasi hoos u eegto manaafacaadka dhulkooda, isla markaana ay u jeestaan tacab iyo dhisme, si ay uga nastaan socod bilaa xuduud ahaa oo ay muddo dheer ku jireen.

 

Weli ma dhawa oo waxay marayaan waddo budushii ay qarniyo hore gobolladda kale ee dalku u mareen dhismaha iyo horumarka noloshooda, laakiin haddii ay xasladaan jidka ay hayaan waa mid ay ku gaadhi karaan wixii kale ee ay doonayaanba. Hase yeeshee, meesha kama madhna turun-turooyin iyo qodxo Jidka daadsani. Waxaana jira in weli aan la jaan-qaadin isbedelka dhacay oo garaacaysa albaab kale. Hadda waxaa laga yaabaa in waxa uu kani ku dhawaaqayo inuu doonayo, inuu kan kale laftiisuba jecelyahay, balse sida ay u kala baadi-doonayaan ay kala haboon tahay.

 

Haddaan halkaas ku dabarno aarraartaas kooban, bal aan eegno xaaladda maanta iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee deegaankan oo ah Kililka 5-aad ee Itoobiya.

 

Dalweynaha Itoobiya, wuxuu ka kooban yahay 9-Gobol oo wadaagga dawlad dhexe oo Federaali ah, isla markaa wuxuu Gobol waliba leeyahay dawlad deegaan oo u gaar ah. 9-ka Gobol (States) waxay kala yihiin:

*   Gobolka Orromada oo ay leeyihiin Qoomiyadda Oromada oo ah qoomiyadda ugu tirada badan qoomiyadaha Itoobiya, kuwaas oo lagu qiyaaso 13-milyan oo qof.

*   Gobolka Amxaarada (Amharra State), oo ay leeyihiin Qoomiyadda Amxaaradda oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa 10-Milyan ku dhawaad.

*   Gobolka Tigree (Tigra State) oo ah qoomiyadda Tigreega oo tiradeeda lagu qiyaasay ilaa 3-milyan iyo dhawr boqol oo kun oo qof.

*   Gobolka Koonfurta Itoobiya oo ay deggan yihiin ilaas 45-qoomiyadood oo laysku yidhaahdo “Shucuubta Koonfurta Itoobiya,” Qoomiyadaha gobolkaa Koonfurta wada-degga oo tiradooda lagu qiyaaso marka laysku didiyo ilaa 14-Milyan oo qof, waxaa ugu waaweyn qoomiyadaha; Siidaamo, Uraago, Walleta, Kanbatta iyo Ommo.

*   Gobolka Gambellaha (Gambella State) oo dhaca galbeedka Itoobiya oo ay deggan yihiin siday ii sheegeen dad aqoon u lihi, dad lagu magacaabo Gambella, kuwaas oo wada-degga Itoobiya iyo Suudaanba.

*   Binu-shaan-gul oo ay deggan yihiin dad lagu magacaabo Bin-shaangul, kuwaas oo la sheegay in ay qaybo ka mid ahi degaan Suudaan, kuna hadla luqadda Carabiga, siday ii sheegeen aqoonyahano wax ka qoray taariikhaha qoomiyadaha Itoobiya oo aan la kulmay.

*   Gobolka Canfarta oo ay degaan dadka Qoomiyadda Canfarta Itoobiya oo lagu qiyaasay tiradooda ilaa hal milyan oo qof.

*   Qoomiyadda tirada yar ee Herreriyiinta oo deggan magaalada Harar, kuwaas oo tiradoodu lagu qiyaasay dhawr boqol oo kun oo qof.

*   Gobolka Soomaalida (Somali State) oo ah Gobolka Soomaalida Itoobiya oo dadka ku nool wakhtigan lagu qiyaaso ilaa 3,649,374-qof oo Soomaali ah, siduu muujinayo istaatikis ay samaysay Itoobiya 1992 (Taariikhda Itoobiya).

 

Dawladaha deegaanadaa 9-Gobol  (States) ka kooban, waxaa soo raaca xarunta Itoobiya ee Addis Ababa, taas oo deegaan ahaan ka tirsan Kililka Orromada, balse maamul ahaan ah mid gaar u taagan oo kulmisa Sagaalka Maamul-deegaan (Federaal City), taas oo lagu qiyaaso dadka hadda ku nool ilaa 2.5-Milyan. Guud ahaan, marka la isku kiciyo tirada dadka Itoobiya waxa lagu qiyaasaa in ay caga-cagaynayaan ilaa dhawr iyo konton Malyuun oo qof, kuwaas oo ka soo kala jeedda 53-qoomiyadood oo ku hadla afaf kala duwan, balse uu Af-Amxaarigu u yahay Luqadda u dhaxaysa ee ay ku wada-hadlaan Maamul ahaan.

Haddaba, haddii aynu u soo noqono dhinaca Gobolka Soomaalida Itoobiya, dhul ahaan waxa bedkiisa lagu sheegay inuu dhan yahay 218,900km2, sida ku cad Dekumentari qoraal ah oo ka hadlaya dhulka Kililka 5-aad iyo khayraadkiisa.

 

Deegaanka Soomaalidu dhul ahaan, wuxuu ka mid yahay Gobolladda ugu waaweyn ee dalka Itoobiya, hase yeeshee dhinaca kale marka laga eego wuxuu ka mid yahay deegaanada ugu hooseeya horumar ahaan. Marka la eego dhulka Kililadda kale, sida; Orromadda ma jirto tallaabo dhul ah oo bannaani oo waa beeran yahay, laakiin deegaanka Soomaalida waxaa lagu sheegay Istaatikis dawladda Itoobiya samaysay laba sano ka hor in Kililka 5-aad leeyahay dhul-beereed lix milyan oo hektar ah oo ku bixi kara roobka, kaas oo ilaa hadda laga faa’iidaysto waxaa ka badnayn 7%. Sidoo kalena, la beerto 2% dhul-beereed gaadhaya 700-kun oo hektar oo ah dhulka waraabka lagu beeran karo, kaas oo ah dhul carro-san ah oo haysta biyo joogta ah, waayo waxaa mara Webiyada Shabeelle, Ganaane (Jubba), iyo qaar kale, isla markaana waxaa ku yaalla deegaanka Godday oo uu maro webiga Shabeelle biyo-xidheen la sheegay in lagu horumarin karo ilaa 27-kun oo hektar oo dhulkaa ka mid ah. Taas ka sokow, waxaa hadda jira dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha sidii looga faa’iidaysan lahaa Webiyadaas oo cidda keli ah ee ka faa’iidaysan jirtay 40-kii sannadood ee tegay ay ahaayeen bulshada Soomaalida Koonfureed.

 

“Webiyo waaweyn ayaanu leenahay, sida Shabeelle, Ganaane, Daawo iyo Weyb, markaa hadda waxaanu xoogga saaraynaa sidii looga faa’iidaysan lahaa, ummadda halkaas deggan ee wax beeratana loo dhiiri-gelin lahaa, inta kalena loogu jihayn lahaa beeraha.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha dawladda deegaanka Qoomiyadda Soomaalida Itoobiya, Mr. C/rashiid Duullane Rafle oo aan la yeeshay Wareysi.

Masuuliyiin kale oo dawladda Kililka ah oo aan la kulmay, ayaa iyana muujiyay in biyaha webiyadaas aanay hore u isticmaalin, balse ay hadda qorshaynayaan sidii mashaariic ballaadhan oo dhinaca beeraha ah looga hirgelin lahaa.

 

Khayraadka kale ee dabiiciga ah ee Kililkaa markaan eegno sida la ii sheegay, waxaa muddaba diyaar ahaa ceelasha gaaska dabiiciga ah ee aagga lagu magacaabo Jeexdin ee Gobolka Qorraxay. Ceelashaas oola filayo in wax soo saarkooda gaasta dabiiciga ahi bilaabmo, isla markaana la ii sheegay in dhawrkii biloodba mar laga neefiyo. Xaddiga gaaska dabiiciga ah ee ku jira aagga kaalluub (Jeexdin) iyo Hellelle, waxay dawladda Itoobiya ku sheegtay inuu gaadhayo ilaa 68-bilyan oo mitir saddex jibaaran ah.

 

Dhanka kale deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa ka socota qorshayaal lagu kordhinayo dhismaha adeegyada nolosha iyo kaabayaasha dhinaca dhaqaalaha, sida; waxbarashada, caafimaadka, isgaadhsiinta jidadka iyo wixii soo raaca. Marka loo eego Kililada kale, soonka 5aad wuxuu noqonayaa kuwa ugu liita adeeg ahaan. Dhinaca caafimaadka markaan eegno waxaa hadda ka jira deegaanka 4 Cisbitaal, 11-xarumo caafimaad ah iyo 84-goobaha MCH-yada loo yaqaano ah. Maaha wax weyn marka la eego baaxadda dhulka, balse wax la’aanta ayay dhaamaan, waayo, 10-sanno ka hor mabay jirin oo waxaa badi la hirgeliyay sida la ii sheegay cahdigan Itoobiyada cusub ee dimoqraadiga ah. Taas ka sokow, waxaa aad u yar siday wararku sheegeen, hawl-wadeenada aqoonta caafimaad leh, siiba dhakhaatiirta. Siday ii sheegeen Saraakiil caafimaad oo aan kula kulmay Xarunta Jig-jigga, Cudurrada ugu badan ee dadka deegaankaa waxyeelada ku haya waxaa ka mid ah; Qaaxada (TB) iyo Duumada, waxaanay intaa ku ladheen in ay boqolaal qof u dhinteen xannuunka TB-da sannadihii tegay, qaar badan oo kalena uu hayo.

 

Dhinaca Waxbarashada, deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa hadda ka jira ilaa 160 dugsiyo H/Dhexe ah, 7-dugsi oo sare iyo hal dugsi oo tababarka Macalimiinta ah. Dhanka kalena, isgaadhsiinta telefoonka iyo Boosta, ayaa isna hadda koraya. Badi adeegyada ilaa hadda shaqeeya awood kastaba ha lahaadeene, waxaa la hirgeliyay intii ay jirtay Itoobiyadan cusubi.

 

Dhinaca Siyaasadda iyo Maamulka haddii aan eegno, waxaa hadda bilow ah qorshayaal la ii sheegay in ay mishiin u yihiin Siyaasadda Xukuumadda talada haysa, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin; la dagaalanka musuq-maasuqa iyo adkaynta dhaqanka shaqada dawladda. Tiraba dhawr iyo toban xubnood oo hore madax u ahaa, ayaa badidooda xabsiyada loo taxaabay dhawaan, kadib markii lagu eedeeyay arrimo uu musuq-maasuqu ka mid yahay oo ay dawladdu sheegtay in ay galleen.

 

“Siyaasadda aanu ku shaqaynaynaa, waxa weeye in aanu la dagaalano Musuq-maasuqa.” Sidaa waxa yidhi, Madaxweyne C/rashiid Duullane Rafle.

Maqaalo kale oo ku saabsan Kililka 5aad iyo waraysi aanu la yeelanay Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, La soco cadadyada dambe..

 

Taariikh Nololeedkii Marxuum Cabdi Muxamed Xarbi

Ilaahay ha u Naxariistee waxa shalay oo taariiikhdu ahayd 21/72002 ku geeriyooday magaalada Hargeysa Cabdi Muxamed Xarbi oo ahaa Agaasimaha waaxda wararka ee Radio Hargeysa kana mid ahaa suxufiyiinta waaweyn ee dalka isaga oo muddo dheer ka soo shaqeeyay hawlaha warfaafinta

 

Aaska marxuumka oo shalay ka dhacay xabaalaha siinay waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dawladda, Mudanayaal ka tirsan labada gole iyo dadweyne aad u tiro badan.

Marxuum Cabdi Muxamed Xarbi waxa uu ku Dhashay degmada Mandheera 15kii Julay 1953kii halkaasoo uu ka bilaabay waxbarashadiisii qur’aanka kadib waxa la geeyay Cadan oo uu ku dhamaystay dugsigii hoose, kadibna waxa uu u soo wareegay Hargeysa. Isaga oo waxbarashadiisii dhexe ku qaatay dugsiga Axmed Guray oo uu ka baxay 1966kii.

 

1967-1971kii waxa uu waxbarashadiisii sare ku qaatay dugsigii Camuud. 1978-1979kii waxa uu wax ku bartay Kuliyada saxaafada ee Lafoole.

1972-1988 waxa uu ka shaqeeyay wasaaradii warfaafinta ee Soomaaliya oo uu ka gaadhay darajooyin kala duwan 1989-1991 waxa uu ka soo shaqeeyay Radio Halgan oo ku hadli jiray codka S.N.M.

 

1991-2002 waxa uu ka mid ahaa hawl wadeenada sarsare ee wasaarada warfaafinta ee Somaliland isagoo haatan ahaa madaxa qaybta wararka ee wasaarada warfaafinta. Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum xarbi waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta waaweyn ee Somaliland isaga oo hibo u lahaa mihnada saxaafada geeridiisuna waa mid ku timid dhammaan bahda saxaafada, sidaa darteed dhammaan bahda Haatuf Media Network oo soo saara Wargeysyada Haatuf(Soomaali) Haatuf Al-Carabi iyo Somaliland Times waxa ay tacsi u dirayaan Qoyskii Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Xarbi iyagoo ilaahay uga baryaya inuu naxariistii jano ka waraabiyo marxuumka inagana samir iyo Iimaan inaga siiyo Aamiin.

 

Midowga Yurub Oo Xayiraadii Ku Sii Kordhiyay

Safarada Iyo Hantida M/Weynaha Zimbabwi Iyo Xaaskiisa

 

Brussels (W. Wararka): Shir ay wasiirada midowga Yurub(EU) ku lahaayeen Brussels (Belgium) ayaa ku kordhiyay tirada siyaasiyeenta iyo ganacstada reer Simbabwe ee xayiraada ay kaga soo rogeen inaay safaro ku tagaan dalalka ku jira Midowga yurub(EU) iyo hantida dalkaa u taalay dalalka midowga yurub liiskan xayiraada waxaa ku jirta Grace Mugabe oo ah xaaska Robert Mugabe warkan oo laga soo xigtay diblamaasi ay la xidhiidhay wakaalada wararka ee Reuters wuxuu intaa ku daray in liis ka kooban 52 qof oo shirkan shalay EU lagu ansixiyay uu ku biirayo 20 qof oo hore oo xayiraad ku soo rigidooda uu isla ogolaaday Midowga yurub bishii February ee sanadkan, liiska hore waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Zimbabwi Robert Mugabe xayiraada ay midowga yurub ku soo rogtay Madaxda reer Zimbabwi wuxuu dhaqan galay ka hor doorashadii Zimbabwi ee bishii march ee sanadkan.

 

Midowga Yurub wuxuu talaabooyinkan ka dhanka ah maamulka iyo dawladda Zimbabwi qaaday ka dib markii ay xukuumada Zimbabwi eriday madaxii Kooxda goob joog ahaanta ay midowga yurub ugu soo direen doorashadii horaantii sanadkan 2002ka dhacaysay Zimbabwi Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britayn Mr.Jack Straw ayaa sheegay shalay in xayiraada M/weyne Mugabi iyo xulafadiisa kale ay tahay mid hirgashay oo guul keentay. Wasiirka arrimaha gudaha ee Zimbabwi Mr. John Nkomo ayaa isna sheegay in Zimbabwi ay tahay dal xora oo loo baahan yahay inaan isxukunkeeda gudaha dalkooda aan lagu soo faro galin, waxaa kalo oo isagoo Mr.John Nkomo hadalkiisa sii wata uu yidhi:

 

“Uma baahnin aananu u tagno Britian in aanu tukaanada ku yaal alaabo ka soo Iibsano, Zimbabwi waxay leedahay dukaano faro badan oo ay dadku waxay u baahan yihiin ay ka iibsan karaan maxay tahay Yurub, waxaa jira meelo kale oo badan oo dunida ah” Glenys Kinnock ayaa BBc da u sheegay in xaaladda Zimbabwi ay hada meelo xun marayso oo loo baahan yahay in midowga yurub uu sii xoojiyo mawqifkiisan uuna ka xayiray inay masuuliyiinta Zimbabwi safaro ku yimaadaan Yurub iyo hantidii uu taalay oo iyana la xayiray Glenys Kinnock oo ah xeel dheera dhinaca bulshada ah oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa ku taliyay in xayiraadaas ay ka mid noqoto xataa inaanay Madaxda Zimbabwi iyo shaqsiyaad ka kaleba socdaalo sabab shir ka qayb gal ah in loo ogolaan inay yurub ku yimaadaan.

 

RAADYAW MA QALOOCSHE

A.A. Garas

 

 

Halkani waa Raadyaw ma qaloocshe, hadii uu yahayna wuxuu idinkala hadlayaa mawjadaha kala gaa-gaaban ee ilaaq aqoonka, hadii uu idinkala hadlayana wuxuu eegadan yar idin huluuuqsiinayaa warkii dunida oo kankoonsan, waxaana dabada idiin qaban doona oo idinku darbin doona weriye Raad abeeso, ina carrab yuub.

 

Warkii oo la gammuurray

Madax-yuuubka Afrikad quraadiga ah ee shanka roon land ayaa hiirtii waaberi ee shalay socod hadaaf ah ku hinjiyey xagaa iyo ardal-xabash Xayle Waraadh.

Hadaafkiisaasna waxa madaxyuubka ugu sii wehel yeelay boorsadiisii, afar wasiir iyo afadiisa iyo laba ka mid ah waashmaanadiisa gaarka ah .

 

War-saxaafadeed madaarka ka soo baxsaday oo uu Raadyawgu meel cidla, isaga oo dabaysha dhex bood-boodaya afka ugu dhuubay ayaa laga sheegay inuu madaxyuubku soo eegi doono nimankii Reer Il-haadhig bal isha ay maalinkan maanta ah leeyihiin iyo in ay Canjeeladii aw daafle ahayd ka dhamaatay iyo inkale, inkasta oo war aan meel ka xaduuray oo hoosta xariiqay in shuqulada uu madaxyuubku u tegey Ardal-xabash aanu shaxaad ka madhnayn.

 

Hadaafkani waxa uu ka dambeeyey martiqaad baalid ahaa oo uu Sarif Sanaawi dharaar hore u soo yuubay madaxyuubka Shan ka roon Land, laakiin aan u malaynayo in hore loo haleeli waayey.

 

Hadaafkan madaxyuubku ku hidiyey xagaa iyo Ardal-xabash ayaa la sheegay inuu Ahumtiiba Adhiis ku qushbalay, isaga oo laga yaabo inuu Sarif Sanaawe ku tamalaso oo la iska waraysan doono arimo jigirta jiidda ku saabsan, iyadoo Carro ka dhexeeyo xidhiidh Busuuno ah oo la danaanashey, inkasta oo intii uu Marxuumkii noolaa uu Sarif Sanaawi sheegay inuu aqoonsi yalam yahay, balse uu meel uun ka soo dey-deyi doono, isaga oo sheegay inaanu dalkiisu ka mid ahayn meelaha aqoonsiyada lagu sanceeyo, uuse baanankiisa baadh-baadhi doono bal inuu ka helo iyo inkale Citiraaf ay qolo ku xasaysatay iyo in loo malaynayo inuu madaxyuubku soo waydiin doono bal inuu Sarif Sanaawe hayo cid xaraashaysa aqoonsi huudhaydh ah.

 

Suudaan: Diinta Muslinka iyo diinta masiixiga ayaa maalin dhowayd looogu garqaaday magaalada la yidhaahdo Nayroob oo Ardal-Sawaaxil. Labadaas diimood waxa sitey Reer-Suudaan.

Diinta Maxamediyada waxa sitey madax-kankooska Suudaan Cumar Busaar, diinta Macatabiyana waa sitey ninka Kaniisadda koonfurta Suudaan furidayga u ahaa Mr. Joon Giraangir.

 

Shirkaa labada diimood loogu garqaaday waxa xeer-beegti ka ahaa ergo ururka iigaad la yidhaahdo ah iyo rag Maraykaan ah oo la sheegay inay ku il iyo suul dheer yihiin gar-diimeedka Joon Giraangir oo looyar u ahaa diinta Macatabiyada ayaa la sheegay inay ilkaha ka qubtay diinta muslinku.

 

Rag aan tiradooda la qiyaasi karin ayaa u qudh baxay dirirta labda diimood dalka Suudaan ku dhex martay. Xeer beegtida shirkaa ayaa labadaa qolo ku heshiisiisay afar qoddob oo qoddobka u horeeya loo cuskaday Lakum diinakum, weliya diin, qoddobka labaadna waxa uu in la kala saaro diinta iyo dawladda Suudaan, qoddobka saddexaadna wuxuu ahaa in muddo lix sannadood ah ay qolo waliba diinteeda ku soo digrido, ka dibna wax aan diinna ahayn iyo diin la’aanna loo sameeyo iyo qoddobka afraad oo ah inay Illaah qudha wada caabudaan, laakiin ay laba nebi ku kala salliyaan.

 

Halka uu heshiiska labadaa qolo ka dhacayey waxa goob joog ka ahaa weriye Sanqoole oo Ardal-sawaaxil nooga soo warama warbixin uu halkaa nooga soo cayntaariyey wuxuu ku bilaabay “Laba diimoodlayaasha isku diriray Suudaan oo gacanta la isu saaray waxa muddo dheer u dhexaysay dirir fara badan oo ay isku ridayeen AK iyo Busuuke, dalka Suudaan oo la sheegay labaatan gu’ in dirir guftaa la isku hayey, iyadoo ay falaagada koonfurta Suudaan la sheegay inay diinta dhaafsadeen qamandi ay gaalada ka sii gaalsani diyaarado ugu soo tuur tuuri jirtey. Dhinaca waqooyiga oo la sheegay inay, iyagu haystaan diinta ugu wanaagsan diimaha ee Maxamediya ayaa la sheegay inay , iyaguna la khafiifeen qadar suufiyad ah oo ay dawladdu ku luuqayn jirtey, taas oo ahayd bal-wadda ugu balaadhan  ee dalka laga dheeli jirey oo ah heesaha qaraamiga ah, laakiin wardiimeedkani waxa uu intaa ku sii daray inaanu heshiiskan diimo kala saarka ahi intaa ku sii seexan doonin , iyadoo ay dadka qaar sheegayaan in labadoodii diimood la inqilaabay oo ay dusha ka qabsatay diinta dimoqraadiyadda la yidhaahdo ee uu Maraykaanku Afrikada madow ku faafinayo”.

 

Dhegaystayaashayada dhegaha taag taaganow war wixii aanu idiin soo faro maroojinay maalinkan maanta ah waa naga intaa , iminkana dhegaha u yuub yuuba tixo gabay ah oo Abu-qaraami ah.

Ninka casuumaa, mar buu milix waraabshaaye.

Hebel iyo heblaayaa yaqaan, dhawr qof uu ridaye.

Sidii geel horweynoo arlada, xaabka ka idleeyey.

Oo wada xarago tiicayood, quruxda yaabaysid.

Oo wiilal ay soo dhaceen, galab u soo dhuuntay.

Ileyn geella lama cawryo, ee waa layska xoogaaye.

Gabaygana rag baa kala dhacoo, booli dhaadhi ahe.

Anna gaadhka waxan uga hayaa, yaan laga xadine.

Afartaa cir soo hooray,  iyo beeb dalooshamay dheh.

Habro jeegag soo qaatay, oo haamo dhaansaday dheh.

Xisbiyadu hadday lool-tamaan, ways eryanayaane.

Kol hadii garoon loo salaxo, way tartamayaane.

Inay qaar xanaaq soo wataan, wayska filaynaaye.

Xisbigaan itaal badan lahayn, wuu bakhtiyaaye.

Rabbi wuxu ka qaybshaba dalkani, doorasho u roorye.

Inkastoo in weyniyo dastuur, heerkan lagu gaadhay.

Inkastoo gudoonkii shakigu, guriga noo yaalo.

Inkastoo dal waa loo samree, dunidu soo eegtay.

Weli arinku meel baydhsan buu, gawda ku hayaaye.

Kol hadaan aqoon loo lahayn, hirarka loo tookhay.

Ama dedaal badani jirin, waan u baqayaaye.

Jab baa lagu mutaa, amase waa lagu jimcoonaane.

Waa lagu murqaamaa, amase waa lagu madhaadhiciye.

Dawlanimo midaysiyo, hadaan dani xabaadhaynin.

Berigiyo iyo galbeedkaba, hadaan la isku shaandhaynin.

Garan maayo halkuu, ururadaa caashaqu u qaaday.

Talyaanigu muxuu naga rabaa, boorkinimadiisa.

Isbarmuunto iyo buu rabaa, moos aseendo ah.

Weli wuxu u meermeerayaa, dib u mataanayne.

Geyigeenna oo idil hadaan, gaadhka lagu meerin.

Dadka soo galootiga ah hadaan, gooni laga yeelin.

Hadaan kaadhadh loo goyn, haddana tirada loo koobin.

Garaadka intuu duday, adiga nacab ku moodaaya.

  Degelkeenna oo idil, ilaa dawladnimo gaadho.

Halka habari joogtaba, hadaan ciidan garab joogin.

Ingiriirku ruuxuu nacuu, girawdh yidhaadaaye.

Goo aweey haduu kugu yidhaa, waad ka caymadiye.

 

  DEYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Cumar Daahir Cumar

Dawladaha Hoose Ee Degmooyinku
Ha Jaleecaan Ilaalinta Deegaanka

 

 

Maamulida Deegaanada Somaliland ee Degmooyinka gaar ahaan dawladaha hoose waxa lagu tilmaami karaa goobaha la socon kara waxyeelada Deegaan ee ka dhacaya degmooyinkooda waxa kale oo u fudud in ay talaabo degdega ka qaadaan waxyeelada bilowga ah si aanay u sii fidin si nabaad guurka ay biyaha iyo dabayshu, sababeen waxa kale oo ay gacan ka geysan karaan ka hortaga dhir goynta. Dhinaca kale waxaa u muuqda in uu midha dhal noqon karo iskaashi dhexmara dawladaha hoose ee degmooyinka ama guud ahaanba wasaarada arrimaha gudaha, iyo wasaarada horumarinta Daaqa iyo Deegaanka ee s/land oo isu kaashada ilaalinta iyo daryeelaka deegaanka, iskaashigani wuxuu noqon karaa isu geynta aqoonta wasaarada horumarinta Daaqa iyo Deegaanka, iyo wasaarada arrimaha gudaha waxaa kaalingal ah shaqaalaha gaadiidka iyo ciidamada Booliska oo ka howlgala hawlaha ku xadgudubka deegaanka, waxa faham u baahan in geedka qoyan ee la jarayo ama dhuxusha la gubayo iyo ciida lagu gubayaa aanay ka waxyeelo yarayn qofka la dakhro ee uu Boolisku talaabada degdega ah ka qaado.

 

Dhinaca kale gaadiidka cagafcagafyada waaweyn ee dawladaha hoose sida Hargeysa oo kale waxtar ayaay yeelaneysaa haddii ay sida suurta galka ah uga qayb qaataan moosaska wax ka tara dhulka ay jeexjeexyada ama nabaadguurka ciida ee biyuhu ay waxyeeleeyeen, balayada biyaha ee sida haboon loo sahamiyay aayaa iyaguna qayb ka ah dhaqaalaynta ciida iyo biyaha oo wax tar u leh Deegaanka dawladaha hoosana iyo qalabkoodu kaalin ayuu ka qaadan karaa hawshaa.

 

Soo noolaynta howlwadeenadii ilaalinta dhirta ee tuulooyinka (forestry) waa arrin ay dawladaha hoose kaalinta uu dhaqaalahoodu u saamaxayo ka qaadan karaan guno ama gargaar kale kolba wixii ka suurta gal ah iyadoo ay imika jirto in goobaha kobcinta dhirta ee magaalooyinka S/land ay gacanta ku hayaan dawladaha hoose, hadan waxa lagama maarmaana kor u qaadista dhir beerista deegaanada ka baxsan, magaalooyinka iyo magaalooyinka qudhooda waxa kale oo muhiima ururinta siidhka dhirta dabiiciga ah ee adkaysiga u leh cimiladeena oo dib loogu dhireeyo dhulka uu xaalufka dhirtu saameeyay, dowladaha hoose ee degmooyinka waxaa kale oo ay tashiilad iyo gacan ka gaysan karaan Barnaamijka wacyi gelinta ee Daryeelka Deegaanka oo ay farsamo ahaan soo diyaariso wasaarada horumarinta Daaqa iyo Deegaanku.

 

Ujeedada qoraalkani wuxuu yahay in maamulida dawladaha hoose ee degmooyinka S/land ay bartilmaameedkooda waxqabad ee ahmiyada la siinayo ay ku darsadaan howlaha Daryeelka iyo dhaqaalaynta Deegaanada ka tirsan degmooyinkooda, taladani waa tilmaan ka hortag waxyeelada ka iman karta xaalufka iyo daryeel la’aanta Deegaanka.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Soo-Geleetiga Haddaan La

Xakameyn Waxa Ka Iman Kara Dhibaato

Dadka Ajnebiga ah ee soo gala Somaliland ayaa maalinba maalinta ka dambaysta soo kordha, iyadoo ay dadkaasi inta badan ka soo qul-qulaan wadamada aynu jaarka nahay, sida: Itoobiya, Jabuuti iyo Somaliyada Koonfureed.

 

Dadkan oo ka soo talaaba xuduudaha dalka lug iyo baabuur waxa ay doonaan ha ku soo galeene waxay maalinba maalinta ka dambaysta sii siyaadiyaan culayska nololeed ay ku hayaan dadka muwaadiniinta ah, waxayna saameeyeen dhinacyo badan oo nolosha iyo dhaqankaba ku taxaluqa.

 

Dadka qaar waxay ka cabayaan inay dadka soo geleetiga ahi buuxiyeen shaqooyinkii aasaasiga ahaa ee ay nolosha kala soo bixi lahaayeen dadka wadanka u dhashay oo u arka inay, iyagu kaga xaq leeyihiin shaqooyinka ay buuxiyeen, waxayna sababta ay sidaasi u dhacday tahay, iyadoo ay dadka ajnebiga ahi ku shaqeeyaan qiimo jaban.

 

Shaqooyinka ay dadka soo galeytiga ahi buuxiyeen ee ay inta badan, iyagu qabtaan waxa ka mid ah dhismayaasha, nadiifinta musqulaha, farsamooyinka nijaaradda IWM., iyadoo ay hadda xaaladdu gaadhsiisan tahay inay dadka soo gelaytiga ahi qaataan qandaraasyo dhinaca dhismayaasha ah, taas oo meesha ka saartay dadkii aqoontu u lahaa hawlahaa ee muwaadiniinta ahaa ee xirfadaha noocaas ah ka xoogsan lahaa.

Waxa kale oo la aaminsan yahay inay dadka ajnebiga ah ee dalka soo galaa ay suurtagal tahay inay keenaan dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah, sida cudurada lays qaadsiiyo oo ay qaarkood kahtar yihiin, sida cudurka Aids-ka oo sida la ogyahay galaaftay malaayiin qof oo dunida guudkeeda ku noolaa iyo cuduro kale.

 

Dhibaatoyinka kale ee ay dadkaas lagaga cawdo ama wax laga arkay waxa ka mid ah dhibaatooyin la xidhiidha dhinacyada diinta iyo dhaqanka, taas oo laga wer-wer qabo inay dalka ku faafiyaan diimo iyo caadooyin kale, iyadoo dhinaca kalena wer-wer laga qabo inay dadka ay tiradoodu xad-dhaafka tahay ee dalka ku soo qulqulaya inay aakhirka ka bataan dadka muwaadiniinta ah, taasina ay mustaqbalka keeni karto inuu dalku noqdo dal ay ku nool yihiin qoomiyado ku kala duwan dhinaca diimaha iyo caadooyinka, sidaa darteedna hadii ay taasi dhacdo waxa meesha si hawl yar u iman kara iska hor-imaadyo diimeed iyo kuwa dhaqan.

 

Marka la eego dadka ajnebiga ah ee soo gelaytiga ah marka ay soo gelayaana ma jiro wax sharci iyo shuruud ah oo ay ku soo galaan, marka ay degaana ma jiro wax sharciyad ah oo ay ku kala duwan yihiin, iyaga iyo dadka muwaadiniinta ahi, iyadoo ay ahayd in marka ay soo gelayaan iyo marka ay degaanba uu jiro wax ay kaga duwan yihiin, iyaga iyo dadka muwaadiniinta ahi.  Hase yeeshee waxaad moodaa inaanay taasi muuqan ee ay dadka ajaaniibta ahi dalka isaga soo galaan hortaa banaan, ugana noolaadaan hortaa banaan iyo bilaa xuduud, hadii ay xeer nololeed, xeer ganacsi iyo hadii ay tahay xeer dhaqanba.  Sidaa awgeed waxa dawladda looga baahan yahay inay arintaa hoos u eegto oo ay qaado talaabooyin sharciya oo kala soocaya dadka muwaadiniinta ah iyo dadka ajnebiga ah.

Maxamed Axmed Xuseen iyo Maxamed Cumar Cabdi, Hargeysa

 

  Hanaanka Xisbiyadu Ma Horseedi Doonaa Horumar?

Waa wax farax iyo yididiilo galinaya qof kasta oo ah muwaadin suuban oo danaynaya horumarka bulshada ka dib markii muddodheer qaabka maamulka siyaasada dalka lagu maaraynayay qaab beeleed qodxo iyo dhibaato badan in la go’aansado in loo guuro hanaanka xisbiyada badan. Balse waxaa isweydiin leh hanaanka cusubi ma noqonayaa mid dalka iyo dadka rara geedi barwaaqo? Mise waxa uu noqon kud ka guur oo qanjo u guur.

Su’aashaas waxaynu kaga jawaabaynaa su’aalahan is daba yaal ee saddexda ah.

1.       Waa maxay xisbi?

2.       Intee ayay le’egtahay aqoonta loo leeyahay habkan xisbiyada?

3.       Waa kuwama hogaanka xisbiyadu?

Ugu horeyn xisbi waa koox dad ah ooku midoobay fikrad iyo aragti Siyaasadeed oo dhammaan dadaal ugu jira hirgalinta afkaarta xisbigu xambaarsanyahay sidii bulshada loogu dabiqi lahaa.

Halkaas waxaa ka muuqata in ujeedada ugu wayn ee xisbigu u dhisanyahay tahay meelmarinta falsafada xisbigu aaminsanyahay ee maaha hanashada xukunka oo kaliya. Waayo madaxnimadu waa wadiiqo loo marayo hirgelinta xisbiga ah waa dabiqida barnaamijka xisbiga. Sidaa awgeed, waxaa dhacda in xisbiga afkaarta ku dhisani diido inuu ka qaybgalo xukuumad loogu baaqay inuu ka soo qaybgalo haddii barnaamijkeedu khilaafsanyahay aragtidiisa.

Aaraartaas waxaa ku cad sida xisbiyada dunidu u shaqeeyaan hadaba hadaynu u soo noqono Somaliland waxaynu si sahlan u arki karnaa laba qodob oo uu ku haboon yahay hanaan xisbi oo caafimaad qaba isla markaasna wiiqaysa rajada laga qabo in habkan cusubi siyaasada dalka wax wayn ka badalo waxaanay yihiin labadaas qodob.

1.       Sida ka muuqata sansaanka guud iyo qaab dhismeedka xisbiyada tirada badan ee jira waxa cad in ujeedada ugu wayn ee loo samaystay ay tahay gaadhista iyo xuurtaynta kursiga madaxnimada ee aan wax ahmiyada ah la siin wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale bulsheed, Siyaasadeed ee dalka iyo dadkaba ragaadiyay

2.       Barnaamijyada sida farshaxanka ah loo qoray ee dhalanteedka badani ku jiro ee aad moodo inay kala sawirteen ama nin wada qoray waa dhaldhalaal (diikoorayshan) qurux badan oo bulshada lagu indha sarcaadinayo, si aanay u dareemin ujeedada xaaraanta ah ee ah ku guurista Shacbiga jaahilnimada iyo gaajadu isu qabteen.

Waxa intaas sii dheer qaab dhismeedka maamulka xisbiyadani u dhisan yihiin oo ah qaab qofaysan oo qofka ama dhawrka qof ee xisbiga u sareeyaa ay yihiin xisbiga, Xisbiguna iyaga yahay waxaanu xisbi waliba ka koobanyahay nin xumad kursi qaad ah la il daran iyo afar nacamleh oo quudaraynaya inay ka daba qaxweeyaan. Haddii nasiibku ninkooda kursiga ku giraangiriyo. Maadaama falsafada dadkeenu ka haystaan xukunka ay tahay meel si sahlan looga daro wadaan malab ah ee aan loo arag Xilgudasho iyo maarayn dan Qaran.

Halkaasna waxa inooga muuqanaya maqnaanshaha labada Qodob oo hanaanka xisbiyada caafimaadka qaba astaan u ah waxaanay kala yihiin

1.       Dhismaha Dimoqraadiga oo ay tahay in xisbigu ku salaysnaado rayiga iyo la tashiga xubnaha hoose ee qaacidada u ah xisbiga ee aan talada xisbigu noqon mid ka go’da Gudoomiyaha iyo xertiisa ee ay noqoto Go’aan qaadasho mid ay ka soo qayb qaateen gaadhistiisa dhammaan heerarka kala duwan ee xisbigu.

2.       In ahmiyada koowaad la siiyo meelmarinta iyo hirgelinta Barnaamijka xisbigu u aasaasmay sidaynu hore u soo xusnay. Ee aan xisbigu noqon saxiimada afar qof oo u jeel qaba kursi iyo ku tagri falka aayaha ummada hadaba tiiyo xaalka xisbiyadu sidaas yahay waxa is weydiin leh intee ayay leegtahay aqoonta iyo khibrada bulshadu ugu qaab leedahay hanaankan cusub?

Waxa bulshada ugu danbaysay qaab xisbiyeed 1969kii markii taliskii macangaga ahaa talada dalkii Soomaaliya boobay halkaas ayay ku curyaantay tajrubadii curdinka ahayd Inkasta oo uu hanaankaasi lahaa dhaliilo badan, laakiin haddii uu sii socon lahaa waxaa hubaal ah in aqoon siyaasadeed oo ballaadhan laga heli lahaa mayse noqon.

Intaas waxa sii dheer dadkii xiligaas ka soo qayb qaatay ama wakhtigaa dhalinyarada ahaa oo ah maanta dad tiro yar oo cimri taagan oo ka aan kaalin firfircoon ka ciyaari karin siyaasada dalka si khibradooda looga faa’iidaysto waxa kale oo jira bulshada maanta 79% waa dhalinyaro ku kortay duruufo Siyaasadeed oo leh argagax iyo isbadalo is daboyaac ah taas oo keentay duruufaha jiray awgeed in dhalinyaradii fursad u waydo waxbarasho rasmi ah oo kobcisa garaadkooda aqooneed ee bulshada. Waxaa waliba intaa sii dheer dadweynaha maanta magaalooyinka ku nooli maaha dadkii hore u degenaan jiray ee 85% waa dadkii soo galay magaalooyinka 1991kii. Sidaa awgeed, maaha dad aad ugu bisil nolosha madaxnimada (nolosha Magaalo) ee wali waxaa garaadkooda ka dhex guuxaya dhaqamadii meelaha ay ka soo guureen taasi oo sabab u ah inay noqdaan dad si sahlan loo duufsan karo oo loogu hogaamin karo ujeedooyin khaldan. Mana aha dad u bisil inay qaataan rayi Siyaasadeed oo madaxbanaan oo ku dhisan aaminsanaan ta qof ahaaneed. Hadaba haddii duruufta xisbiyada iyo dadweynuhu sidaas  tahay waxa inoo hadhay inaynu is waydiino waa kuwama hogaamiyayaasha xisbyadani?

Waxa wax laga dhakafaaro ah hogaamiyayaasha xisbiyadan ee sheeganaya inay yihiin sahanka isbedelka iyo horumarka gaadhsiinaya ummadda waa raggii sababta u ahaa duruufaha iyo saymaha laga guurayo ee bulshadu la naafawday.

·       Waa jiilkii hogaanka siyaasada dalka boqolka jeer la kufay waa jiilka soo baxay jaamacada xilkasnimodarada kuliyada aniguun baa talin. Mana aha kuwo hanan kara himilada shacabkan u ooman, sinaan cadaalad, nabad iyo midnimo qaran, iyo horumar guud.

·       Hanaankan xisbiyadu waa shaadh cusub iyo xeelad xirfadaysan oo damacsan yihiin inay kusii haystaan talada ummadda ay kunka jeer jarka ka rideen. waxaana shaki la’aan ah in haddii mid ka mid hogaamiyayaasha xisbiyadan iska garab xaydan la yidhaa kursigaa lagu saarayaa ee xisbigaaga kala daadi, inuu si degdeg ah jar uga tuuri lahaa xisbiga boodhkiisana khad madaw marin lahaa hadaba maadaama xisbiyadii naruurada la biday sidaas yihiin Maxaa xal ah?

Waxay ila tahay mar walba xalku waa hanaanka xisbiyada badan. Laakiin kuwa maanta is garab yaacaa maaha xisbiyadii loo baahnaa ee geediga ummadda hogaanka u noqon lahaa. Maaha kuwo umada ka rari kara qabiilka cudurka jaahilnimada iyo dhammaan cudurada bulshada naafeeyay.

Waxaynu u baahanahay xisbiyo ka tarjumaya himilada shacabka iyo rajadooda. Xisbiyo hankoodu dhaafsiisaanyahay kursi iyo lunsi hanti dadweyne.

Xisbiyo ay ka hormuud yihiin dhalinyaro iyo wax garad wadani ah oo aan faraha la galin dhagarta shacabka.

Xisbiyo leh istaraatiijiyad iyo qorshe xeel dheer oo lagu maaraynayo dhibaatada bulshada dhan kasta ka fadhida.

Xisbiyo ka daacad ah hirgalinta ujeedooyinka ay ku baaqayaan.

Marka xisbiyo noocaas ah la helo ayaynu odhan karnaa hanaanka xisbiyadu wuxuu ummadda gaadhsiinayaa horumar Siyaasadeed iyo bulsheed.

Laakiin inta kuwan xirfada ka dhigtay indha sarcaadka Siyaasadeed inay umada ku harawsadaan magac xisbi taladeenu waa ceelna uma qodna cidina uma maqna

C/Raxmaan Maxamuud Muuse

 

 

Wakaaladu Sidan Ha U Dhaanto Dadka

Waxa baryahan danbe ka jira magaalada Hargeysa biyo la’aan, saamaysay meelo badan oo ka mida magaalada.

 

Dhibaatooyin aan la soo koobi karin ayay danyartu kala kulantaa arrintaas, maadaama aanay lahayn weel ay ku keydsadaan biyaha, shayga kaliya ee ay isticmaalaana uu yahay jirikaamada 20 litir ah.

Hadaba biyo la’aanta oo uu dadka qaarba si u sababeeyaan ayaan ilaa hada loo helin xal waxana jirta in bishan 15keedii laga bilaabo ay dalka ku soo noqdeen qaxoonti badan oo ka yimid dalka jabuuti.

Kuwaas oo aan loo samayn wax diyaar garow ah iyo kutala gal toona, taasi oo sii kordhinaysa dhibaatada biyo la’aanta.

 

Waxa kale oo jirta sida la xaqiijiyay in maareeyaha wakaaladu uu kaag (qasabad) xidhay kuna leexiyay gurigiisa sida ay dad badan oo xogogaal ahi xaqiijiyeen.

Arrintaasi oo ah mid khalada oo aan looga fadhiyin maareeyaha, maadaama uu dantiisa gaar ahaaneed ee uu ka horaysiiyay ta dadweynaha.

 

Waxa aan kusoo gabagabaynayaa maqaalkan gaaban in ay wakaaladu wax ka badasho hawlaheeda wax qabad, taasi oo la odhan karo waxa ay ka gaabisay hawlihii ay u haysay dadweynaha

Axmed C/llaahi Nuur(Dhuux) iyo Maxamed Saleebaan Yaasiin(Deero)

 

WAADIGA CIYAARAHA

Suuqa Gobonimo Oo

La Wareegay Koox Ciyaartoy Ah

 

 

Hargeysa (Haatuf):- Maamulka suuqa ganacsiga Gobanimo (Ex-Xisbiga) ayaa shlay ku dhawaaqay inay la wareegeen koox kubadda cagta ah oo uu suuqaasi yeelan doono.

Shir-jaraa’id oo ay galabnimadii shalay si wada-jir ah xafiiska suuqa ugu qabteen Guddoomiyaha iyo ku xigeenka koowaad Cali Axmed Xuseen iyo Ibraahim Xuseen Yuusuf ayay ku sheegeen iay si rasmi ah ula wareegeen kooxda ciyaartoyga ah, hadda laga bilaabana ay si joogto ah u qaadan doonaan magaca cusub ee suuqa Gobanimo.

Kooxda kubadda cagta ee suuqu la wareegay oo saddex sannadood jirtay, waxay hore ugu soo ciyaartay wakaaladda biyaha Hargeysa iyo shirkadda ganacsiga ee Hodan Company. Hase yeeshee, sida la sheegay waxay uga tageen sababo dhaqaale darteed.

 

Guddoomiye ku xigeenka suuqa Gobanimo Ibraahim Xuseen Yuusuf oo shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in maanta (shalay) laga bilaabo ay ciyaartoygu ku ciyaari doonaan magaca suuqa, wuxuuna intaa ku daray intii karaankooda ah inaanay waxba kala hadhi doonin wixii waxtar ah ee ay u heli karaan.

“Xafladdan maanta waxaanu ugu talogalay inaanu kula wareegno kooxdan oo ku ciyaari doonta magaca suuqa,” ayuu yidhi Ibraahim.

 

Inkasta oo kooxdu si rasmi ah ugu ciyaarayso magaca suuqaa, haddana labada dhinac ee heshiisku dhexmaray midna ma sheegin dhaqaalaha ciyaartoyga la siinayo, hase yeeshee Guddoomiye ku xigeenka suuqa ayaa tilmaamay inay si gaar ah uga wada hadli doonaan dhinacyada ay khusayso arrintu.

“Waxaan maanta idin siinaynaa talooyin iyo waano wixii wanaajin ah ee la siinayo, inamada ciyaarayana gooni ayaanu idiinku sheegi doonaa, mar dambe ayaynu ka wada-hadli doonaa. Waxaan filayaa inaad noqon doontaan dhalinyaro aanu wax weyn tari doono, xag tacliineed iyo waxtar kale intaba,” ayuu yidhi ku xigeenka suuqa Mr. Ibraahim.

 

Wuxuuna dhalinyarada ciyaartoyga ah ka codsaday in ay ku dedaalaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen magaca iyo sumcadda suuqa Gobanimo iyo guud ahaan magaalada Hargeysa.

“Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inaad karaamadiina iyo magaciina kor ugu qaadi doontaan, anagana aad waxtar noogu noqon lahaydeen,” ayuu ku daray.

 

Maamulaha kooxda Mustafe Axmed C/laahi oo ka hadlay xafladii shalay ee lagula kala wareegay ciyaartoyga ayaa ka hadlay taariikhdii kooxdu soo martay iyo shirkadihii ay hore ugu soo ciyaareen.

Maamuluhu wuxuu sheegay in kooxdu hadda u ciyaari jirtay shirkadda ganacsiga ee Hodan Company oo ay hadda uga soo wareegtay suuqan cusub ee Gobanimo. Kadib markii ay mulkiilaha shirkada isku af-garteen inay xor u yihiin meeshii ay rabaana ay tegi karaan.

 

“Waxaanu wadahadal la yeelanay madaxa shirkadda Mr. Carab, waxaanuna isku af-garanay inaanu ku wareegno suuqa Gobanimo,” ayuu yidhi maamulaha kooxdu.

Mustafe wuxuu ballan-qaaday inay ku dedaalayaan tallaabo kasta oo sumcad u keenaysa suuqa cusub ee Gobanimo, isaga oo intaa ku daray sababtay tallaabadaa u qaadeen inay tahay sidii ay dariiq cusub ugu jeexi lahaayeen jiilka cusub ee soo socda.

 

Mustafe, wuxuu u mahad-naqay maamulka suuqa ganacsiga Gobanimo oo gacan qabtay kooxda uu maamulka u yahay.

“Waxay noqdeen ganacsatadiiugu horraysay ee ku hamida inay ciyaartoy gacan qabato, kuna talogasha waxay siinayaan,” ayuu yidhi.

 

Kooxdan ay la wareegtay ganacsatada suuqa Gobanimo waxay ka mid tahay 11 naadi oo heerka koowaad ah oo ka dhisan caasimadda Hargeysa, kuwaas oo intooda badan cidina aanay kafaalo qaadin mas’uuliyadooda dhaqaale iyo tabobar intaba.

 

Marka laga tago laba naadi oo u kala ciyaara ciidanka qaranka iyo ciidanka Booliska Somaliland.

Inkasta oo ay jiraan shirkado ganacsi oo xamili kari lahaa mas’uuliyadda kooxo ku ciyaara magacooda, haddana ilaa hadda cidina kumay dhiiran tallaabadaa.

 

Waxaa xusuus mudan in dhawr shirkadaha gaarka loo leeyahay ka mid ahi ay samaysteen kooxo ku ciyaara magaca shirkadahooda. Hase yeeshee, may noqon kuwa waara.

 

Barcelona Oo Lagu Canaantay Siideynta Rivaldo

 

 

Barcelona (Reuters): Barcelona ayaa kalsooni ka muujiyay in aan Rivaldo ku biirayn Real Madrid, iyada oo labada naadi sidaa ku heshiiyeen ka hor intii aan la siidayn Rivaldo oo sannad uga hadhsan yahay heshiishkiisii.

 

Afhayeen Barcelona u hadlay, ayaa taageerayaashooda u sheegay in ay si fiican uga nasteen baqdinta ay ka qabaan Rivaldo oo ka soo horjeesta.

“Rivaldo uma tegayo Real Madrid, laakiin wuu ka tegayaa kooxdan, sidaas ayaanu doorbidnay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Barcelona Joan Gaspart, kadib markii ay isaga Rivaldo isku afgarteen.

Barcelona waxay daliishanaysaa wada-hadal dhexmaray labada kooxood ee colka ah oo dhigayay in aanay qaadan xidigga wadankiisa koobka dunida u soo hooyay. Wargeys ka soo baxa guriga Barca, ayaa isna marag u soo qaatay hadal ay dhawaan Real Madrid sheegtay oo ahaa in aanay wax ciyaartoy cusub ah iibsanayn xilli-ciyaareedkan. Hase yeeshee, Rivaldo ayaa sheegay in aanu weli go’aansan inuu u diga rogto Naadiga Sagaalka goor ku guulaystay horyaalka Yurub.

 

Rivaldo hadda waa ku faraxsan yahay kooxda, laakiin dammaanad buuxda uma haystaan in aanu ku biirin, maxaa yeelay xidhiidhka labada Naadi waa mid aad u xun. Dhinaca kalena, waxaa u dhexeeya hirdan ah sidii mid waliba uga mid noqon lahayd 14-ka kooxood ee Yurub ugu sareeya.

 

Rivaldo meesha ugu dhow ee uu qaban karaa waa Talyaaniga oo ay si wey u xiisaynayaan kooxaha Lazio iyo AC Milan oo mid waliba labadii sannadood ee ugu dambeeyay ay raadinaysay.

Rivaldo ma jirto, caqabad la taaban karo oo is hortaagi kartaa, laakiin waxaa jirtad qodobka lacagta wax lagu kala iibsanayo oo qaali noqda, balse lama filayo in isaga taasi ragaadiso. Inkasta oo Manchester awoodda saartay in ay ku iibsato Rio Ferdinand 47 Milyan oo dollar haddana Newcastle ayaa sheegtay in ay isha ku hayso Rivaldo.

 

Tababaraha Newcastle Bobby Robson oo hore tababare ugu ahaa Barcelona ka hor intaanu jagada u banayn Van Gaal, sannadkii 1997-kii, ayaa ah ninkii Rivaldo keenay Barca oo uu 26.7 milyan kaga soo iibsaday Deportivo. Sidaa darteed, waxaa dhici karta inuu ixtiraamo.

“Rivaldo waa ciyaartoy leh awood weyn oo keli ahaaneed, berina waa iibsanayaa hadaan lacag u helo” ayuu yidhi Robson.

 

Warbaahinta Isbaanishka, ayaa bartilmaameed ka dhigtay dhaleecayn xad-dhaaf ah oo ay la beegsanayaan tababaraha cusub ee Barcelona Luis Van Gaal, kadib markii Isniintii shalay lagu heshiiyay in Rivaldo kooxda laga fasaxo. “Rivaldo waa la eryay.” Sidaa waxa bogeeda hore ku daabacday Wargeyska maalinlaha ah ee Sports Daily Marca, wuxuu intaa ku daray; “Barcelona waxay eriday ciyaartoy cid la mid ahi aanay Spain ka ciyaarin.”

 

Go’aanka ay labada dhinac wada qaateen, wuxuu cadeeyay in 30-jirka reer Brazil yahay mid ka mid ah ciyaartoyda kubadda cagta ee dunida ugu wanaagsan.

“Van Gaal, ayaa eryay Rivaldo. Ninkii reer Holland wixiisii buu la soo noqday, Gaspart-na murankiisii buu soo celiyay.” Sidaa waxa daabacay Wargeyskaa oo boggiisa hore ku sawiray Van Gaal oo funnaanadii Barcelona ka bixinaya Rivaldo.

 

“Koox waliba waxay ku riyoonaysaa in ay hesho ciyaaryahan weyn sida Rivaldo, wayna adag tahay in ay hesho, waana nacasnimo tii ugu xumayd tan debedda loogu saaray.” Sidaana waxaa daabacay maalinle ka soo baxa Madrid oo lagu magacaabo Daily El Pais. Wargeysku waxa uu tusaale u soo qaatay Barcelona oo sidan oo kale marar badan samaysay, tusaale ahaan Romario, Luis Figo iyo tababarihi Johan Cruyff oo dhammaantood ay eriday.

 

“Barcelona waxay eriday ciyaartoyga aan adiga ahayn, waxay ilowday heshiiska siyaasadaysan,” ayuu faalladiisa ku daray El Pais.

 

“Rivaldo dib uma soo noqonayo. Taageerayaashana waxaa lagu maawelinayaa ku biiri maayo cadowgiina Real Madrid.” Sidaana waxaa qoray wargeyska afka dheer ee maalinkasta ka soo baxa Barcelona. Dhacdadani ka yaabisay ciyaartoyda Barcelona oo u qaadan waayay sida wax u dhaceen.

 

“Waa yaab dhammaantii, sida degdegga ah ee wax u dhaceen, bal waxaanu sugaynaa Rivaldo kooxdu in ay sharaxaan sidan wax la yeelay.” Sidaa waxa yidhi Xidigga Qaranka Spain iyo Barcelona ee Luis Erique.

Barcelona waxay ka cararaysaa inuu heshiiskiisu u dhammaado, kadibna uu si xor ah u tago kooxaha colaaddu ka dhaxayso.

 

Rivaldo oo 6milyan oo dollar sannadkii mushahar u qaataa, wuxuu ka mid yahay Ciyaartoyda Spain ka ciyaarta kuwa ugu wanaagsan. Inkasta oo sannadkii inta badan dhaawac ku maqnaa, haddana waxaa looga maarmi waayay Qaranka Brazil, wuxuuna dhaliyay 5-gool koobkii adduunka. Dhinaca kalena, waxa jira warar aan xaqiiqadoodu sugnayn oo tibaaxaya in Real Madrid la wareegayso.

 

Labada naadi ee Real Madrid iyo Barcelona, waxay ku tartamayaan lacag abuuris iyo sidii mid waliba ugu guulaysan lahayd in ay hesho heshiiska xuquuqda telefiishinka oo muddadiisu tahay 2003 – 2008, iyada oo ilaa 50-milyan oo dollar xilli-ciyaareedkasta ay helayso kooxdii heshiiska ku guulaysataa. Real Madrid waxay hore u saxeexday saddex sannadood oo ay garankeeda ku xayaysiin doonto shirkadda Siemens ee Mobile-ka, waxayna qaadatay 30-milyan oo lacagta Yurub ah, halka Barcelona ay ilaa hadda haysato 12-milyan oo Euro oo ay xayaysiis ahaan uga qaadatay Wershadaha Cabitaanka Coca-Cola iyo Damm. Sidaa darteed, haddii Real Madrid la wareegto Rivaldo si fudud ayay muddo yar lacag badan ku hanan kartaa.

 

Dhinaca kalena, haddii Rivaldo Real Madrid tago, waxaa kashifmaya dhammaan Maamulka kooxda.