Haatuf, Cadadki 123, July 26, 2002 Madaxweyne Rayaale Muxuu Itoobiya Kala Soo Noqday?
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hoggaaminayay, ayaa shalay galab ku soo laabtay dalka, kadib markuu soo dhammaystay booqasho saddex maalmood ah oo uu ku tegay xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Madaxweyne Rayaale oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen Marwada koowaad, Marwo Huda Barkhad, Wasiirka Ganacsiga, Rashiid X. Cabdillaahi, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Siciid (Gees), Guddoomiyaha Baanka C/raxmaan Ducaale la taliyihiisa arrimaha milateriga iyo masuuliyiin kale oo Madaxtooyadda ka tirsan, waxa uu dalka kaga baxay Isniintii martiqaad rasmi ah oo uu dhawaan ka helay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Melez Zenawi. Madaxweyne Rayaale oo markii uu ka soo degay garoonka wax yar kadib, waxa uu qolka martisharafta ee Madaarka Hargeysa kula hadlay saxaafadda, waxaanu sheegay in socdaalkiisii uu guul kala soo laabtay, Madaxda Itoobiyana ay si fiican isugu soo afgarteen dhammaan arrimihii ay ka wada-hadleen.
“Waxaan u malaynayaa kolley wax badan Cabdi Idiris (Afhayeenka Madaxtooyada) baa idiin soo gaadhsiinaayay, socdaakayaguna runtii waxaad arkaysay in Itoobiya heerkii ay markii hore ay inoo qaabilaysay in ay kor u qaaday,” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, waxanu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Ilaa Madaxweynaha waanu is aragnay. Waayo, awel Madaxweynaha inamay tusi jirin.” Madaxweyne Rayaale, waxana uu ku tilmaamay waxoogaagaa isbedelka ah ee soo dhoweyntiisa mid ka dhalatay isbedelkii talada ee sida dastuuriga ah uga dhacday Somaliland, kadib geeridii Madaxweynihii hore May 3, 2002, taas oo uu sheegay in Itoobiya iyo Caalamka oo dhamba ay Somaliland tixgelin kaga heshay.
Mudane Rayaale, waxa uu sheegay in iyada oo ay weheliyaan Wasiiradii la socday uu la kulmay Madaxweynaha dawladda Federaaliga ah ee Itoobiya iyo Ra’iisul-wasaare Meles Zenawi, arrimo badan oo uu ku jiro aqoonsiga Somaliland-na ay ka wada-hadleen.
“Si weyn baa halkaa naloogu soo dhoweeyay. Madaxweynaha waanu wada-hadalnay aniga iyo wasiirradayda ila socdayba, Ra’iisul-wasaarahana waanu wada-hadalnay,” “Waxaananu ka wada-hadalnina ma jirto. Waxaynu ugu jeclayna waanu ka wada-hadalay, ictiraaf baynu ugu jeclayn baan u malaynayaaye isagana waanu ka wada-hadalay,” ayuu yidhi Madaxweynuhu. Hase yeeshee, Mudane Rayaale, waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabihii ay arrinta aqoonsiga iska yidhaahdeen ama ay iskala meeldhigeen, waxana uu yidhi; “Hadda sidaas iyo sidaasaan nidhi idin odhan maayo, laakiin aragti ahaan waxaan isku diidnay ma jirto.” Madaxweyne Rayaale, waxa uu sheegay in dawladda Itoobiya ay isla soo gaadheen iskaashi buuxa oo dhinacyo badan leh, kaas oo uu tilmaamay mid wakhtigan si ficil ah loo fulinayo.
Somaliland iyo Itoobiya, wax ay hore isula meeldhigeen iskaashi ku waajahan dhinacyada ganacsiga, bangiyada, Isgaadhsiinta iyo nabadgelyada, kuwaas oo aan si ficil ah u taaba gelin marka laga reebo amniga. Isla markaana Madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay in Wasiirradii la socday ay u gudbiyeen dawladda Itoobiya, kaas oo uu sheegay in laga wada-hadlay, dawladda Itoobiyana ay u soo dirayso guddi. Waxa uu sheegay in qorshayaashii ay la tageen waxyaabaha laga aqbalay ay ka mid yihiin; in ay Itoobiya isticmaasho dekedda Berbera ee Somaliland; in la isu furo ganacsiga labada dal iyo in Itoobiya gacan ka geysato dhismaha jidka isku xidha Berbera – Togwajaale ilaa Jig-jigga.
Dhinaca Siyaasadda, Madaxweyne Rayaale, waxa uu sheegay in heshiiska iskaashi ee Itoobiya ay la soo gaadheen ay ku jirto in labada dal ay yeeshaan iskaashi dhinaca Siyaasadda ah. Waxa kale oo uu sheegay in ay ka wada-hadleen doorashooyinka asxaabta badan ee dalka ku soo fool leh, taas oo uu xusay Mudane Rayaale in ay weydiisteen dawladda Itoobiya in ay ka caawiso, isla markaana Itoobiya ay ku dhiiri-gelisay doorashooyinka, waxaanay noo ballanqaaday Itoobiya ayuu yidhi; “In ay naga caawin doonaan arrintaa doorashooyinka.”
Mudane Rayaale oo ka jawaabayay in Madaxda Itoobiya ay la soo qaaday shirka dib-u-heshiisiinta ee kooxaha soomaalida loogu qabanaya Nayroobi bisha Sept, iyada oo dawladda Itoobiya ka mid tahay waddamada IGAD ay u xilsaartay qabanqaabada shirkaas, waxa uu yidhi; “Kaa haba yaraatee, nalama soo qaadin Itoobiya.” Waxa kale oo uu sheegay in Madaxda Itoobiya ay ku bogaadisay booqashadiisi uu ku tegay Djabuuti oo ka mid ah waddamada IGAD ee qabanqaabada ee ay Itoobiya isku maandhaafeen qabanqaabada shirka Soomaaliya. Booqashadii Madaxweyne Rayaale ee Djibuuti oo ahayd tisii u horreysay ee uu dibadda ugu baxo intii uu Madaxweyne-nimada hayay.
“Waxaanu kaloo idiin sheegayaa” ayuu yidhi Mudane Rayaale; “Safarkaygii Djabuuti ee aad berigii wax ka qorqorteen inuu Meles (Ra’iisul-wasaraha Itoobiya) yidhi wax weyn buu na taray, anaga laftayada idinkana wax buu idiin taray, taana Ra’iisal-wasaaraha Itoobiyaa noo qiray inuu waxtar u ahaa Itoobiya iyo Djabuuti in ay isku dhowaadaan, inagana waxtar inoo ahaa.” Madaxweyne Rayaale oo ugu dambayntii ka jawaabayay wax uu dadka u sheegayo ee uu kala soo noqday Itoobiya, waxa uu yidhi; “Waxaanu la soo noqonay dhammaan heshiis iskaashi ooo labada dal (all bilateral Agreement), wixii ku xidhnaa oo in aanu isla soo saxeexnay. Dhinaca siyaasaddana in aan iskaashano.”
Madaxweyne Rayaale iyo weftiga uu hogaaminayay, waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa Madaxda dawladda iyo dadweynaha. War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Wada-Hadalkii Weftiga Somaliland Iyo Madaxda Dawladda Itoobiya
Addis Ababa (Haatuf): Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale ee booqashada ku tegey dalka Itoobiya ayaa wada hadalo ay caaimadda Adis-ababa ku yeesheen waxay gebagebadii wada hadaladaa wadajir u soo saareen war-murtiyeed ku saabsan arimihii la isla soo qaaday iyo waxyaalihii markii dambe ay labada dhinac isla afgarteen. War-murtiyeedkaa oo aanu soo turjunay, isaga oo ku qoran afka Ingiriisiga waxa uu u dhignaa sidan:
“Wefti heer sare ah oo Somaliland ah oo uu hogaaminayey, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo Itoobiya Booqasho ku joogay 22-kii Julay ilaa 25-kii Julay 2002, waxayna weftigaasi wada hadalo balaadhan oo dhinacyo badan leh la yeesheen Madaxweynaha iyo ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, Mr. Wolde Georgis iyo Males Zenawi, wasiirka arimaha debedda Itoobiya, Seyoum Mesfin iyo saraakiil sar-sare oo iyaguna dawladda Itoobiya ka tirsan. Weftiga Madaxweyne Rayaale waxay xog-waran buuxa ka bixiyeen xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ay guud ahaan waqtigan ku sugan tahay Somaliland.
Waxa kale oo uu weftiga Daahir Rayaale ka codsaday Itoobiya inay Somaliland ka caawiso dedaalka ay ugu jirto dib ug dhiska dalka. Weftiga Somaliland waxay Itoobiya u sheegtay inay diyaar u tahay inay guddi ama koox farsamo u dirto Somaliland si ay guddigaasi sahan lagama maarmaan ah ugu soo sameeyaan inta dhisan iyo waxa ka dhiman jidka isku xidha Berbera iyo Tog-wajaale ilaa Jig-jiga, taas oo ay weheliso indho-indhayn la xidhiidha balaadhinta dhamaanba dhinacyada iskaashiga.
Weftiga Somaliland waxa kale oo lagu wargeliyey inay Itoobiya sii wadi doonto ilaa intii suurta gal ah inay caawinayso horumarka la gaadhay ee ka jira Somaliland ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxyaalaha la xidhiidha, taas darteedna: Muhimadda weyn ee ay leedahay doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland ayaa hoosta laga xariiqay, taas oo ay Itoobiya cadaysay Ballan-qaad ah inay hawsha doorashoyinka gacan ka gaysanayso intii taagteed ah. Lagama maarmaanimada xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo weliba iskaashi dhinaca tacliinta ah sida ay u kala mudan yihiin, taas oo lagu heshiiyey in Itoobiya ay qaadi doonto talaabooyin xooggan oo ay kaga qayb qaadanayso kaalmaynta Somaliland sida ugu fiican ee ay awooddo ayaa lagu nuux-xuuxsaday.
Sida lagu heshiiyey waxa la is-dhaafsan doonaa weftiyo ganacsi, kuwaas oo cayimi doona dhinacyada wax wada qaybsiga. Ugu dambayna weftiga Somaliland waxay dawladda Itoobiya iyo dadkeeda uga mahad naqeen sidii diirranayd ee loo soo dhoweeyey iyo sidii fiicnayd ee loo qaabilay mudadii ay joogeen Addis Ababa”.
Fannaanad Japanese Ah OoU Ololaysa Daryeelka CarruurtaOo Booqasho Ku Timi Somaliland
Gabadh u dhalatay Japan Tetsuko Kuronyanagi oo ah fannaanad caan ah oo jisha barnaamijyada TVJapan, isla markaana ah qoraa aad loo iibsado buugaagta ay qortay ayaa shalay gelinkii dambe booqasho ku timi Hargeysa. Tetsuka Kuroyanagi hadda waa mudawacad hay’adda UNICEF ugu hawlgasha mas’uuliyad sharafeedka loo yaqaan Safiirka Rajo-wanaaga ee UNICEF. War-saxaafadeed ay UNICEF soo saartay shalay ayaa lagu sheegay in Tetsuka Kuroyanagi ay 7 maalmood qaadan doonto booqasho ay ugu ololaynayso sidii ay indhaha dunida ugu bandhigi lahayd baahiyaha haysta caruurta iyo haweeenka degaano ay booqan doonto oo kala ah; Hargeysa, Berbera, Sheekh, Boorama iyo Burco.
Goobaha ay booqanayso Tetsuko Kuroyanagi waa meelaha ay hay’adda UNICEF ka wado mashaariicda wax lagaga qabanayo waxbarashada dhallinyarada iyo adeegyada caafimaadka.
Sannadkii 1984-kii ayay hay’ada UNICEF ku sharaftay Mr. Kuroyanagi in ay noqoto Safiirka rajo-wanaaga ee hay’adda UNICEF, kadib markii ay u ururisay lacag dhan $29 milyan oo dollar hawlaha daryeelka caruurta, mar ay booqasho ku tagtay dalalka Rwanda, Ciraaq, Haiti iyo Kosovo. Ms. Kuroyanagi waxay dunida maamuus weyn kaga heshay inay cod dheer ugu dhawaaqdo mashaariicda lagu daryeelayo caruurta dunida saddexaad ku nool ee aan heli karin baahiyaha aas-aasiga ah ee nolosha.
Tetsuko Kuroyanagi, intii ay waqtigeeda u hibaysay hawlaha daryeelka caruurta ee UNICEF ayay booqashooyin shaqo ku tagtay dalalka; Tanzania – 1984 Nayjeeriya – 1985 Hindiya – 1986 Mozambique – 1987 Vietnam – 1988 Angola - 1989 Bangaladesh – 1990 Ciraaq – 1991 Itoobiya – 1992 Sudan – 1993 Zaire (Congo) – 1994 Haiti – 1995 Bosnia Herzegovina – 1996 Mauritania – 1997 Uganda – 1998 Albania, Kosovo, Macedonia – 1999 Labeeriya – 2000 Afghanistan – 2001 Iyo safarka ay 25 July 2002 ku timid Hargeysa oo ay Tetsuko Kuroyanaig ugu ololaynayso mashaariicda daryeelka caruurta ee hay’ada UNICEF u qabanayso carruurta Somaliland.
Bandhiga ay fannaanadan caanka ah ee reer Japan ugu bandhigtay dadweynaha Japan dhibaatada caruurta ay waxbarashadoodii seejiyeen dagaaladu waxay ku guulaysatay in loo qaadhaamo lacag dhan $ 28 milyan oo dollarka Maraykanka ah inay dad reer Japan ahi ugu deeqaan mashaariicda UNICEF oo dib ardayda iskuulada loogu celinayay dhulka ay dagaaladu saameeyeen. Tetsuko Kuroyanagi waa qofkii afraad ee shaqadaa mutadawacnimo waqtigiisa ugu hibeeya hawlaha hay’adda UNICEF ee dunida, waxaana ka mid ahaa dadkii kale ee hawshaas dunida ka qabtay; qoraagii buugaagta ee Peter Ustinov, Fannaanadii jilaaga ahayd ee u dhalatay Norway Liv Ullman, Filim soo saare Lord Atten Borogh, xiddigii filimada Roger Moore iyo nin dhintay oo la odhan jiray Audrey Hepburn.
Hawshaas mutadawacnimo ee UNICEF waxaa hindisaheeda lahaa nin dhintay oo la odhan jiray Danny Kaye.
Hay’adda UNICEF waxay ka hawlgashaa inka badan 160 dal oo dunida ah, waxaanay la shaqaysaa hay’adaha kale ee qaramada midoobay, dawladaha iyo hay’adaha aan dawliga ahayn (NGOs). Waxaanay UNICEF ka hawlgashaa baahida aasaasiga ah ee bulshooyinka oo uu ugu horreeyo daryeelka caafimaadka, nafaqada, waxbarashada aas-aasiga ah, biyaha nadiifta ah ee la cabo iyo hawlaha nadaafada ee dalalka dunida soo koraya.
Mas’uuliyad sharafeedka Safiirka rajo-wanaaga ee UNICEF oo ah hawsha ay hadda hayso Tetsuko Kuroyanagi waxay wakiil ka tahay agaasimaha fulinta ee UNICEF, mushaharkooduna waa $1 (hal dollar) sannadkii, waxaanay UNICEF u soo hoysay malaayiin dollar oo ay hay’addaasi inta badan wax kaga qabatay daryeelka caruurta iyo arrimaha la xidhiidha.
“Marnaba U Dulqaadan Mayno In Musuq-Maasuqu Noqdo Wax Lagu Faano” Waraysi – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Q: 2aad
Cadadkii hore ee Haatuf ee soo baxay Arbacadii toddobaadkan, waxaanu idiinku soo gudbinay qaybtii koowaad ee waraysi uu Muuse F. Jaambiir oo Haatuf ka tirsani dhawaan magaalada Jig-jigga kula soo yeeshay Madaxweynaha dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mr. C/rashiid Duullane Rafle.
Haddaba, qaybtii labaad ee waraysigaasina, waxay u dhacday sidan: S: Madaxweyne, dhinaca ganacsiga markaynu eegno, Somaliland iyo guud ahaan Itoobiya, gaar ahaan Shacbiga Kililka 5aad, waxaa ka dhexeeya xidhiidh baayac-mushtar oo ballaadhan, wakhtiyadan dambena, waxaa soo bax-baxayay cabashooyin dhinaca Kootarabaanka la xidhiidha oo ay Itoobiya si gaar ah uga cabatay, markaas bal arrintaas ka waran? J: Horta kootarabaan mid cidna u faa’iidaynaya maaha. Cashuurta in la bixiyaana waa waajib. Waayo? Dawladdi Cashuur bay ku dhisan tahay. Dekedda Berbera cashuurta ka soo baxda iyo meelaha kale ayay dawladda Somaliland ku dhisan tahay, halkana (Itoobiya), waa sidaas si le’eg oo dawladdu cashuurtay ku dhisan tahay. Cashuur la’aanina waa dawlad la’aan. Markaas in si wada-jir ah laysaga kaashado, wixii xaggaa ka imanaya iyo wixii xagayaga ka tegayaba, waa lama huraan. Arrimaha Kootara-baankuna waxyaabo faro-badan ayay keeni karaan oo xitaa dembiyada qaybo farobadan ayuu ka qaadan karaa, sidaa aawadeed arrimahaa kootarabaanka xakamayntiisa in layska kaashado weeye. Maadaama ay labada ummadood (Somaliland iyo Kililka 5aad) yihiin dad wallaalo ah, waxaa haboon in xidhiidh adag laga yeesho, sidii wax looga qaban lahaa taas. Midda kale, waxaanu soo dhawaynaynaa in dhinac kastaba ay labada deegaan iska kaashadaan, isu-socodka shacbiguna uu noqdo mid caadi ah oo aanay dhibaato ku jirin oo nabadgelyo ku dhisan, isla markaana is-ixtiraam badan leh. S: Dhinaca deegaankan haddii aan u soo noqono, musuq-maasuqu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha hore u ragaadiyay Maamulka Kililka, markaas ma jirtaa siyaasad cad oo aad kula dagaalamaysaan Musuq-maasuqa? J: Marka ugu horreysa Musuq-maasuqu inuu ceeb yahay aragti ahaan in la qaato, ayaa loo baahan yahay. sababtu waxa weeye, hantida kooban ee aanu haysano ee dadka shacabka ah wax loogu qabanaya, haddii ninkii Madaxda ahi uu jeebka ku gurto, dee kii kaa hoseeyayna wuu ku guranayaa, markaasna waxaa imanaysa in hantidii sidaa ku lunto. Sidaa daraadeed, ka musuqa guriga ku dhistay, ka hantidii intuu urursaday ku ganacsanaya, intuba waa ceeb. Dawladduna marnaba u dulqaadan mayso musuqu inuu noqdo wax lagu faano. Midda kale, waxaanu doonaynaa in aanu dadka wacyi-gelino oo haddii nin ganacsade ah laaluush la weydiiyo aanu la macaamilin ee uu soo sheego, isla markaana uu qof kastaaba meeshii musuq ka dhacayo ee uu arko uu soo sheego. Markaas dawlad ahaan iyo xisbi ahaanba, waxaa naga go’an in aanu la dagaalano musuqa. S: Madaxweyne, Ciidanka Booliska Kililka 5aad, waxaa la sheegay in aad ka joojiseen cunista Jaadka, gaar ahaan kuwa magaalada Jig-jigga, ma go’aan sharci ah ayaa lagaga joojiyay? J: Amar lagu soo rogay weeye ma odhan karo, balse waxa weeye mid la gaadhay markii ay booliska laftoodu dood dheer ka yeesheen, dooddaas dheer kadibna ay go’aan ku gaadheen in la joojiyo cunistiisa. Teeda kale, diraysku sharaf buu leeyahay, karaamaddii dawladnimo ayuu huwan yahay, markaa askarigu isagoo dirayskii xidhan haddii la arko isagoo Jaadka sita ama dul taagan, taasi waxay dhaawacaysaa sharaftii dawladnimo, markaas markii boolisku Jaadka cunistiisii daayay, hadda isbedel farabadan ayaa jira, hawshoodii oo ay si haboon u gutaan, iyagoo weliba wakhti badan soo jeedda iyo xitaa nidaamkii boolisnimo iyo dawladnimo-ba, waxaad arkaysaa in ay dhismeen. S: Mar haddii taasi idiin hirgashay, ma laga yaabaa in aad Madaxdiinuna dabaqdaan qorshahaas oo kale? J: Haa, dawlad ahaan iyo xisbi ahaanba, qorshahaasaanu dhawaan bilaabi doonnaa. S: Madaxweyne, Horta adigu miyaad cuntaa Jaadka? J: Waa in aannan cunin, sababtu waxa weeye, mar haddaan anigu dadka hogaaminayo, waa in ay aniga laftayda iga billaabataa. S: Madaxweyne, Nin dhallinyaro ah baad tahay, masuuliyad dawladeed xilkii ugu sareeyayna waad haysaa, markaas muddo intee le’eg ayaad ku soo jirtay mihnadda Siyaasadda? J: Qoys ahaan, waalidkay marnaba kamuu madhnayn Siyaasadda, aniguna kama fogayn oo waxaa la odhan karaa waa mid aan ilaa yaraantaydii la soo ababay. Laakiin, ficil ahaan waxaa ugu shaqeeyay muddo hadda ilaa Toban sannadood ku siman, horena waxaan mar u soo qabtay Jagadda Wasiir Ku-xigeenka Biyaha ee dawladda dhexe ee Federaaliga ah.
“Saxaafaddu Yaanay Noqonin Leeb Iyo Qaanso Lagu Ugaadhsado Madaxa Kastamka Berbera
Berbera (Haatuf):- Madaxa kastamka Bebera Mr. Cali Axmed Maxamed ayaa shir-jaraa’id oo uu Arbacadii 24 July 2002, ku qabtay xafiiskiisa Berbera ku beeniyay war uu qoray wargeyska Jamhuuriya Salaasadii hore oo sheegayay inaanu kastamku dhaqangelin go’aano ay hore u soo saareen guddi dawlada ka tirsanaa oo loo saaray wax-qabashada xaddiga cashuuraha.
Madaxa kastamada Berbera wuxuu sheegay inuu warkaasi yahay mid aan jirin, isla markaana wuxuu xusay inay wax ka beddeleen canshuurta kastamka, kadib kulamadii ay guddugii kormeerku dhowaan ku tegay Berbera ay la yeesheen ganacsatada. Wuxuuna intaa ku daray; “Ta’riifta uu ku shaqeeyo kastamku maanta waa mid ay soo qorteen ganacsatada iyo dadka bagaashka dalka keenaa lix bilood kahor. Sida waajibku yahayna ta’riifta marka la beddelayo waxaa laga talogeliyaa baayac-mushtarka, ta aanu ku shaqaynaana waa tii wadajirka lagu qorsheeyay.”
Mr. Cali Axmed Maxamed, isaga oo tusaale ka bixinaya sida canshuurta kastamka Berbera loo dhimay wuxuu yidhi; “Nooca muraayadaha Mini-TV-ga markii hore waxaa lagu canshuuri jiray $125, dabadeedna waxaa markale laga dhigay in Mini-TV-ga lagu canshuuro $35, iminkana qiimahaa tixgelin cabasho awgeed waxaa lagu canshuuraa $20 oo keliya.”
Wuxuu xusay talaabada uu qaaday kastamku inay ka mid tahay tansiilaadka faraha badan ee loo sameeyay dadka canshuurta bixiya, mana jirto ayuu yidhi ganacsato ka cabanaysa xagga adeega shaqada kastamka. Madaxa kastamka Berbera Mr. Cali, wuxuu intaa ku daray in siyaasadda shaqadoodu tahay inay soo dhoweeyaan oo baashiraan dadka canshuurta bixiya, isla markaana ay raali ka yihiin cabashadooda saxa ah, taas oo uu xusay inay waajib tahay inay wax ka qabtaan markasta oo ay soo baxdaba. Hase yeeshee, taasi hadda ma taagna ayuu yidhi.
Maamulaha kastamka Berbera Cali Axmed Maxamed wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “warkaa uu Jamhuuriya qoray waa mid eeddiisu khusayso weriyaha Jamhuuriya ee Berbera oo hadaftkiisa qof kastaaba garan karo. Markaas waxaan leeyahay waajibka saxaafaddu ma aha in Leeb iyo Qaanso lagu ugaadhsado laga dhigto, ee waa inay noqotaa mid xaqiiqda iyo waaqiga jira wax ka qorta. Waa inaanay noqon mid mid lagu qadhaabto.”
Madaxa kastamka Berbera waxaa kale oo uu shirkaa jaraa’id ku sheegay in kastamka Berbera uu ku guulaystay inuu soo xareeyo ku talogalkii maaliyadeed ee loo qorsheeyay markii la sameynayay miisaaniyadda guud ee dalka. Waxaanu xusay in dakhliga uu soo xareeyay uu (20%) boqolkiiba labaatan uu kor u dhaafay dakhligii loo qoondeeyay inuu soo xareeyo. Waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay inaanu jirin culays canshuureed oo hadda dul yaala dadka canshuurta bixiya, waxaanu ku tilmaamay warka uu wargeysku qoray mid xag-xagasho ah, maadaama ayuu yidhi; “Dadka loo gudbiyay waxaan sal iyo raad toona lahayn.”
Siduu sheegay warkan oo uu noo soo gudbiyay weriyahayaga gobolka Saaxil C/raxmaan X. Daahir, qaar ka mid ah ganacsatada oo wax laga weydiiyay bal inay jiraan culaysyo dhinaca kastamka iyo dekedda la xidhiidha, ayaa sheegay inaanay hadda jirin dhibaato iyo cabasho arrintaa la xidhiidhaa. Isla markaana waxay carabka ku dhufteen in kastamka iyo dekedduba ay dabaqeen go’aano dhowaan guddi dawlada ka socday uu soo saaray. Dhinaca kale, waxaa maalmihii tegay soo gaadhay dekedda Berbera laba markab oo siday alaabooyin u badan bagaash.
8 Urur-Siyaasadeed Oo Heshiish Ka Gaadhay Qoddobo Ku Saabsan Doorashooyinka “Anaga nalooma keenin martiqaad rasmi ah” Saleebaan-gaal
Hargeysa (Haatuf): 8 ka mid ah ururada siyaasadda Somaliland ayaa habeen hore wada jir u saxeexay 12 qoddob oo ah talo bixin iyo aragtidooda ku saabsan sida looga midho dhalin karo hawsha doorashooyinka la naawilayo inay dalka ka dhacaan, taas oo ay ururadaasi tilmaamo ka bixiyeen waxyaalaha ay u arkaan inay lagama maarmaan tahay si ay dalka uga suurta galaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah, waxayna kala yihiin 8 urur ee qoddobadaa wada saxeexay UDUB, SAHAN, HORMOOD, KULMIYE, UCID, BIRSOL, UMAD iyo ILAYS .
Kulan ay ka soo qayb galeen hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta sideedaa urur oo ka dhacay Xarunta Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland ayaa heshiiskaa lagu saxeexay, waxayna qoddobada ay ururadaasi ku heshiiyeen ka dambeeyey wada hadalo iyo doodo ay in muddo siyaasiyiinta sideedaa urur ku naaqishayeen marxaladda doorashooyinka iyo sidii ay arimo badan oo la xidhiidha hawsha doorashada uga yeellan lahaayeen aragti isku mid ah, waxaana wada hadaladaa iyo doodahaa aakhirkii lagu soo gebogebeeyey 12 qoddob ee la saxeexay qabanqaadooda iyo daadihintooda iska lahayd Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland.
Marka laga hadlayo ururada siyaasadeed ee Somaliland ka jira waa 9 urur, sidaa darteed ururka ASAD oo ka mid ah sagaalkaa urur ayaa ah ururka keliya ee ka maqnaa munaasibadaa ee aan waxba ka saxeexin qoddobadaa, hase yeeshee labada dhinac ee masuuliyiinta Akaademiyadda nabadda iyo hogaamiyayaasha ururka ASAD jawaabo ayey labadooduba ka bixiyeen maqnaanshaha ururka ASAD.
Xubno door ah oo ka mid ah madaxda iyo siyaasiyiinta ururada heshiiska saxeexay iyo marti-sharaf kale ayaa ka soo qayb galay munaasibadaa, waxaase madashaa ka akhriyey 12-ka qoddob ee ay ururadaasi saxeexeen Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah hawl-wadeenada Akaademiyadda nabadda, iyadoo uu dhinaca kalena gudoomiyaha Akaademiyadda Dr. Xuseen C/laahi Bulxan shirka ku furay hadal kooban oo uu ku iftiiminayo ajandaha meesha yaal iyo sooyaalkii ay dooduhu soo mareen, waxayna hawl-wadeenada Akaademiyaddu qoraalka ay halkaa ka akhriyeen ku sheegeen inay wada hadalada ururada siyaasadda ee 12-ka qoddob saxeexay markii ugu horaysay bilaabmeen 27-kii bishii Jananwei 2002, waxayna kulamadaasi dhici jireen Arbaca kasta oo toddobaadka ka mid ah, taas oo ay sheegeen inuu hadalku socon jirey 3:00 galabnimo ilaa 7:30 fiidnimo, iyadoo bay yidhaahdeen ay dadka wada hadlayey ka duulayeen mabaadi’ida ah: 1. Xoojinta jiritaanka Somaliland. 2. U shaqaynta nabad-waarta oo dhab ah oo xaq ku dhisan. 3. In dhibaato kasta oo dhacda wada hadal lagu dhamaysto. 4. In la xaqiijiyo doorashooyin xaq ah oo madax banaan. Intaa ka dibna waxa la saxeexay qoddobadan: 1. In la dhameeyo xeerarka doorashada ka hor inta aan doorashada la qaban, iyadoo xeerarkii la dhameeyeyna sida ay yihiin loo dhaqan gelinayo. 2. In la qaado olole balaadhan oo dadka lagu wacyi gelinayo. 3. In ururkasta oo doorashada ku loolamayaa uu is-diiwaan geliyo. 4. Hayadaha dawladda waa in la faraa in loo siman yahay is-abaabulka, isu imaatinka iyo qalabka warbaahinta ee dawladda, sida uu qeexayo distoorku. 5. In aanu ururna adeegsan karin abaabul sharci daro ah. 6. In aanu ururna si gaar ah u adeegsan karin hantida Qaranka. 7. In sida ugu dhakhsaha badan loo magacaabo gudoomiyaha maxkamadda sare. 8. In loo wada hawl galo sidii ay daarashooyin xaq ah oo madax banaani dalka oo dhan uga dhici lahaayeen. 9. In la dalbado taageero khibradeed, dhaqaale iyo goob joogayaal caalami ah. 10. In ay ururada siyaasadeed ka hawl galaan golaha wakiilada sidii xeerka gobolada iyo degmooyinka si dhakhso loogu dhamayn lahaa, iyaga oo ururada siyaasaddu fekerkooda ka dhiibanaya inta aanay soo bixin. 11. In qaabka doorashada loo maamulayaa noqdo mid muuqda iyo 12. In wixii saluug ah ee dhinac u muuqda ee ka yimaadda golayaasha Qaranka ama guddiga doorashooyinka loola tago maxkamadda dastuuriga ah, taas oo leh go’aanka kama dambaysta ah, waxaana qoddobadaa wada jir u saxeexay sided masuul oo ka kala socda sideedda urur ee heshiiska isla gaadhay. Sida qoraalkaa lagu xusay laba qoddob oo ka mid ah 12-ka qoddob ayaa dhaqan galay, kuwaas oo la sheegay inay kala yihiin: Magacaabidda gudoomiyaha maxkamadda sare iyo is-diiwaan gelinta ururada siyaasadda. Markii madasha laga akhriyey qoddobada ay ku heshiiyeen sideedaa urur waxa intaa ka dib weedho koob kooban halkaa ka jeediyey masuuliyiinta sideedda urur ee heshiiska saxeexay.
“Waxaanu inta badan ka hadalnaa inuu ururka UDUB isticmaalo hantida Qaranka, laakiin waa Illaahay mahadii mar hadii aad markhaati ka tihiin inuu UDUB saxeexay inaanu isticmaalayn hantida qaranka” sidaa waxa yidhi gudoomiyaha ururka HORMOOD, Maxamed X. Maxamuud oo ka mid ahaa raggii halkaa ka hadlay. Sidoo kale gudoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali-waraabe oo isna halkaa weedho ka kooban ka yidhi waxa ereyadiisa ka mid ahaa “Haddii aanu nahay ururka UCID waxaanu nahay ururkii labaad ee ururka UDUB ka daba samaysmay, waxaana naloo bixiyey UDUB-yar (Sub-station UDUB), laakiin waa Illaahay mahadii mar hadii aanu caaw halkan ku fadhino sideed UDUB-yare (8 Sub-station)”, laakiin Faysal waxa uu tibaaxay arin uu ururkoodu kaga duwan yahay ururada kale ee uu heshiiska la saxeexay, isaga oo arintaa tilmaamayana wuxuu yidhi “ Anagu ururada kale waxaanu kaga duwan nahay arinta diiwaan gelinta dadka codkooda dhiibanaya, taas oo aanu leenahay waqtigan suurta gal ma aha”.
“Caawa waxaanu saxeexnay 12 qoddob oo ah in la galo doorasho xor ah oo xalaal ah, hayadaha ay ugu horayso guddiga dooarashaduna waxaanu ka codsanaynaa inay diyaariyaan inta ka dhiman hawlaha doorashada”, sidaana waxa yidhi xoghayaha guud ee ururka UDUB, Cabdi Aw-Daahir. Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdilaahi Cabdi Cumar (C/laahi Jawaan) ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “ Masuuliyadda dhaqan gelinta doorashooyinku ma aha wax guddiga doorashada oo keliya u yaal, laakiin waxay ku xidhan tahay inay tartamayaa isu xilqaamaan iyo inay xukuumaddu si hagar la’aan ah u bixiso wixii hawl ah ee shaqadu ku fulayso”.
“Haddii aanu xukuumadda nahay waanu ballan-qaadaynaa inaanu doorashada qabano” , sidaana waxa yidhi wasiirka warfaafinta dawladda Somaliland, cabdilaahi Maxamed Ducaale oo kulankaa ka soo qayb galay.
Intaa kadib Madaxa Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland, Professor. Bulxan ayaa madasha lafteeda laga waydiiyey sababta uu ururka ASAD uga maqan yahay madashan maadaama uu ka mid yahay ururada Siyaasadda ee Somalilandka jira, wuxuuna ku jawaabay anagu waanu gaadhsiinay marti-qaadka, laakiin iyaga ayaa leh jawaabta sababta ay uga maqnaadeen”.
Hase yeeshee gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo aanu waraysi la yeelanay shalay ayaanu waydiinay sababta uu ururkoodu uga maqnaaday arintaa, taas oo uu beeniyey in kulankaa iyo arimaha lagu gaadhay ay Akaademiyaddu ku marti-qaaday, wuxuuna isaga oo arintaa ka jawaabaya yidhi “Anagu hadii aanu ASAD nahay warkaa ma hayno, mana jirto casuumad rasmi ah oo naloogu yeedhayna ma jirto”, laakiin Saleebaan waxa kale oo la waydiiyey su’aal ku saabsan sida uu ururkoodu u arko inay dalka doorasho ka dhacdo. La soco cadadkayaga berito jawaabta su’aashaa iyo guud ahaanba waraysi dhinacyo badan leh oo aanu la yeelanay gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal).
Maamulka Cusub Ee Burco: Muxuu Qabtay, Maxaase Horyaal?
Hargeysa (Haatuf): Masuuliyiinta cusub isaga sareeya xilalka maayarka iyo maayar-xigeenka magaalada Burco, Aadan Maxamed Mire (Maayarka) iyo Maxamed Diiriye Xayd (Maayar-xigeenka) oo maamulka la wareegay laba toddobaad ka hor ayaa tan iyo maalintii ay xilka la wareegeen inta badan ku hawlanaa olole nadaafadeed iyo bannaynta wadooyin cusub oo xaafadaha magaalada ah iyo hawlo kale oo dayactirka wadooyinka magaalooyinka ah. Hase yeeshee sida ay wararka magaalada Burco ka imanayaa sheegayaan maamulka cusub ee Aadan Maxamed Waqaf waxa horyaal duruufo kala duwan oo caqabad ku ah hawlihiisa maamul.
Weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel Shire ayaa shalay war-bixin nooga soo diray hawlaha uu maamulka cusubi ilaa hadda ku talaabsaday iyo duruufaha ku xeerran maamulkaa, waana tan warbixintii:
“Maamulka cusub ee Burco oo hadda xilka hayey muddo laba wiig gaadhaysa waxa ay wax qabadkooda ku bilaabeen olole nadaafadeed oo ay ku galaabixiyeen suuqyada iyo xaafadaha magaalada, taas oo ay qashin-qaad ku sameeyeen goobo door ah oo xashiish tuurnaa oo ka mid ah xaafadaha badhtamaha iyo dacalada magaalada, waxayna madaxda cusubi ilaa maalintii ay xilka la wareegeen ku hawlanaayeen olole ay ugu xusul-duuban yihiin sidii ay wax qabad u muujin lahaayeen, una heli lahaayeen kalsoonida dadweynaha. Hase yeeshee waxa muuqda duruufo aan yarayn oo horyaal dhaqdhaqaaqooda.
Ololaha nadaafadeed oo uu maamulka cusubi caado ka dhigtay in la qaado maalinta khamiista toddobaad kasta waxa si joogta ah uga qayb qaata dhamaan madaxda iyo shaqaalaha dawladda hoose, iyadoo uu maamulku dadweynaha iyo dhammaan hayadaha dawladda ka codsaday inay kala qayb qaataan ololaha nadaafadeed ee ay wadaan.
Hawlkan uu maamulka dawladda hoose waxa lagu baneeyey wadooyin cusub, taas oo ay madaxda dawladda hoose sheegeen inay uga dan leeyihiin in kor loo qaado bilicda iyo in wadooyin loo helo xaafado badan oo aan lahayn wadooyin gaadiid oo ay isticmaalaan, taasina waxay keentay ayuu yidhi maayarka cusubi inay ilaa 200 qoys helaan wadooyin ay booyadaha biyaha dhaamiya iyo gaadiidka kalena u soo maraan, kuwaas oo buu yidhi aan awel hore haysan wax wado ah. “ Qaar baa ku fekeraya inay halkaa baloodhaystaan oo dhistaan” ayuu yidhi maayarku, isaga oo ka hadlaya meel u dhow madaarka magaalada oo ka mid ahayd goobaha xashiishku awday, laakiin markii xashiishka laga qaaday banaanaatay, iyadoo ay goobtaasi ka mid ahayd goobaha ay dawladda hoose khamiistii shalay ololaha nadaafadeed ku qaaday.
“Ma jirto cid aanu waydiisanay inay naga caawiyaan hawshan, waayo waxaanu rabnaa inaanu kalsoonida dadka soo ceshano” ayuu yidhi maayarku, isaga ka jawaabaya su’aal ku saabsan inay jirto cid ay waydiisteen inay gacan ka siiyaan ololaha nadaafadeed ee ay ku hawlan yihiin. Laakiin waxa uu intaa raaciyey “Wakaaladda biyaha Burco waxay beryahanba wadey oo ay ka shaqaynaysay buux-buuxinta godadka wadooyinka, godadkaas oo dhibaatooyin badan ku hayey gaadiidka, wadadana ku sii fidayey, laakiin hayadaha kale ee dawladda iyo dadweynahaba waxaanu ka sugaynaa inay nagala qayb galaan ololahan”.
Wakaaladda biyaha Burco ayaa doraad bilowday hawl gal dayactir ah oo ay ku buux-buuxinayso dal-daloolka wadada laamiga ah inta u dhexaysa Xarunta dawladda hoose ilaa huteelka la yidhaahdo Negeeye oo ku yaal dacalka magaalada laga galo ee dhinaca waqooyiga (dhinaca wadada Berbera ka soo gasha).
Maareeyaha wakaaladda biyaha Burco, Maxamuud Yaasiin oo aan waydiiyey sababta ku keliftay hawshan waddo samaynta ayaa ku jawaabay “ maadaama uu maamulka cusub ee dawladda hoose wado olole iskaa wax u qabso ah, sidaa darteed ayaanu isu xilqaanay inaanu ololahaa ka qayb qaadano”, waxa kale oo uu maareeyuhu intaa ku daray “Maayarka cusub waxa kale oo aanu ku ballanay inaanu wakaalad ahaan ka caawino sidii calaamadaha baabuurta kala haga (Traffic light) ugu samayn lahayn meelaha ay ku haboon yihiin marka aanu iska aragno maayarka iyo taliyaha ciidanka nabadgelyada wadooyinka”.
Inkasta oo uu maamulka cusubi ilaa maalintii uu xilka la wareegay ku hawlanaa dhaqdhaqaaqyo iyo ololayaal hawleed, isla markaana uu markii uu xilka la wareegay ku ballan-qaaday inuu wax qabad muujinayo, haddana waxa horyaal dhibaatooyin dhaqaale iyo maamul oo caqabad ku noqon kara inuu mustaqbalka dhow ku talaabsado wax qabad balaadhan. Iyadoo ay guud ahaan saamaym weyn oo dhaqaale magaalada ku yeelatay arinta xayiraadda xooluhu ayaa saamaynta ay arinta xayiraadda xooluhu ku yeelatay dakhliga dawladda hoose ay tahay sababta ugu weyn ee xaalad dhaqaala xumo oo haysata dawladda hoose.
Waxa kale oo iyana arimaha saamayntooda ku leh duruufo kale oo ka dhashay maamul-xumo iyo musuq-maasuq hore ula soo dersey dawladda hoose.
Shaqaalaha dawladda hoose oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa 360 qof ayaan muddo 8 bilod ku dhow wax mushahar ah qaadan, marka laga reebo ilaa 120 shaqaale hoosaad ah (Dhul-xaadhayaal, Waash-maano iyo darawallo) oo mushaharkooda la siiyey shan bilood oo sideedaa bilood ka mid ah. Dhinaca kale inkasta oo shaqaalaha dawladda hoose lagu qiyaaso ilaa 360 qof, haddana waxa dhowaan soo if baxay tiro taa ka duwan oo ku saabsan shaqaalaha dawladda hoose, waxayna taasi ka dambaysay masuuliyiin ka socda Xarunta wasaaradda arimaha gudaha oo dhowaan socdaal hawleed ku yimi Burco, ka dibna laga soo xigtay inay tirada shaqaalaha dawladda hoose ka yar tahay 360 qof , taas oo la sheegay inay ku tilmaameen inaanay ka badnayn ilaa 200 qof. Booliska dawladda hoose ayaan isna dhawr bilood ah gunnooyin la siin jirey qaadan, taasina waxay keentay xaalad cago-jiid ah oo laga dareemay dhaqdhaqaaqa booliska dawladda hoose.
Mudooyinkii u dambeeyey waxa dawladda hoose si toos ah iyo si de-ban dirkaba waxoogaa dakhli ahi ka soo geli jirey dhaqdhaqaaqa dhinaca dhulka, laakiin intii uu maamulka cusubi meesha yimi dhulku waa xidhan yahay. Waxa kale oo iyana hadda muuqata waxoogaa shaki ah oo u dhexeeya maamulka cusub iyo shaqaalaha dawladda hoose, taas oo ay ka dhalatay, iyadoo ay shaqaalaha dawladda hoose naawilayeen inuu maamulka cusubi soo bandhigo qorshe cusub oo ku waajahan arimaha shaqaalaha, taas oo aanu maamulka cusubina ilaa hadda isu kala bixin, waxaase loo malaynayaa inuu maamulka cusubi ku dhaqaaqidda iyo ka hadalka baahiyo badan oo muuqda uga gabar-gaalayo duruufo dhaqaale oo haysto, iyadoo aanay duruufaha dawladda hoose horyaal ahayn inta aynu wax ka xusnay oo keliya.
Dhinaca kale dadweynaha oo uu maamulka cusubi ka naawilayo inuu ka helo taageero iyo kalsooni maamulkiisa ah ayaa, iyaguna weli dareen taxader leh ku eegaya dhaqdhaqaaqa maamulka cusub, taas oo ay aad isaga hubsanayaan xaaladda wax qabad ee maamulka cusub.
Shir U Furmay Maamulka Iyo Hawl-Wadeenada Caafimaadka Gobolka Awdal
Boorama (Haatuf):- Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Muuse Bahdoon ayaa shalay xarunta maamulka gobolka ee Boorama shir uga furay in ka badan labaatan xubnood oo ka kala socda maamulada iyo hawlwadeenada caafimaadka degmooyinka gobolka Awdal.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa ka qaybgalayaashu kaga baaraandegayaan qorshe loogu diyaar-garoobayo shir qaran oo caafimaadka bulshada Somaliland khuseeya, kana dhici doona Hargeysa bisha soo socota. Guddoomiyaha gobolka oo isla markaana ah Duqa Boorama ayaa ku booriyay maamulka caafimaadka gobolka iyo hawlwadeenada in muddada shirku socdo ay sameeyaan qorshe ku saabsan wixii u qabsoomay iyo wixii ka qabyo ah caafimaadka gobolka Awdal ee ay la hortegi doonaan shirka qaran.
Kahor Guddoomiyaha waxa iyaguna warbixin la xidhiidha ujeedada shirkan iyo qaabkii loo soo agaasimayba ka hadlay isu-duwaha caafimaadka gobolka Awdal C/raxmaan Jaamac Xadi iyo madaxa PHC-yada gobolka Awdal Siciid Bile.
IFTIINKA ISLAAMKASICIID I. GURAASE Xuquuqda Saaran Qofka Muslinka Ah Q: 2aad
Qaybtii hore ee Qormadan waxaynu ku soo qaadanay qaar ka mid ah xuquuqda saaran qofka muslinka ah ee laga doonayo inuu ka soo baxo kuwaas oo kala haa xaqa Ilaahay, xaqa Rasuulka, xaqa Waalidka, iyo xaqa ay carruurtu leeyihiin oo aynu faahfaahintooda ku soo qaadanay Qormadii jimcihii hore intiinii Akhrisatay.
Maantana waxaynu soo qaadaynaynaa qaar ka mid ah xuquuqaha kale ee laga doonayo qofka muslinka ah waxana ka mid ah: - 5. Xaqa Qoyska Waa xaqa ay isku leeyihiin ninka iyo ooridiisa isqabaa oo isku leh xuquuq iyo waajibaad ay kala leeyihiin iyo qaar ay wada leeyihiin waxana ka mid ah:- - Inay marka hore Ilaaliyaan sharciga iyo nidaamka guurka kaasoo aasaas u ah dhismaha danbe ee guriga - Inay labadooduba ujeedadoodu tahay dhisme guri xalaal ah iyo inay helaan mustaqbal fiican. - Inay ku wada noolaadaan is ixtiraam iyo is qadarin - Inuu mid waliba ka soo baxo xilka iyo waajibaadka ka saaran dhismaha qoyska. - In laga digtoonaado wax kasta oo wax u dhimaya dhismaha qoyska. Aynu kala qaadno xuquuqda ay kala leeyihiin, aynu-na ku horreyno xuquuqda ay gabadhu ku leedahay ninkeeda waxaana ka mid ah:- - Inuu ilaaliyo xaqa gabadha oo uu ugu horeeyo siinta xaqa meherka. - Inuu xil iska saaro biilka iyo waxa uu qoysku ku noolaanayo. - Inuu ka caawiyo hawlaha guriga ee ka tanbata marka uu firaaqada haysto. - Inuu ka ilaaliyo wax kasta oo dhibaato keenaya. - Inuu had iyo jeer ka warhayo xaaladda qoyskiisa. Xuquuqda uu ninku ku leeyahayna waxa ka mid ah:- - Inay haweenaydu maqasho ninkeeda wixii aan macsi iyo dambi ahayn. - Inay ka soo baxdo qaybta kaga Aadan dhismaha qoyska. - Inay ku dadaasho raali gelinta ninkeeda goor kasta. - Inaanay ku khasbin ninka ama ka doonin wax aanu karayn. Xuquuqdaas iyo kuwo kale ayaa ka mid ah xaqa ay haweeynaydu iyo ninkeedu isku leeyihiin lagana rabo inay kasoo baxaan. Sideedaba marka guud ahaan loo eego qoysku, waa unugga ugu hooseeya ee bulshadu ay ku dhisantahay sidaa daraadeed ayay shareecada Islaamku siisay ahmiyad gaar ah dhismihiisa iyo hagaajintiisaba iyada oo u dejisay axkaam iy qawaaniin fara badan oo la raaco 6. Xaqa Qaraabadda Qaraabada oo ah dadka xigtada ah xaga Aabaha ama xaga hooyadaba iyaguna waxay leeyihiin xuquuq gaar ah oo loo baahan yahay inla ilaaliyo. Qaraabada oo inta ugu mudan ay waalid qofka u noqonayaan ayna ka mid yihiin adeerada, abtiyada, edooyinka, habaryaraha, iyo Carruurta ay sii dhalaan dhamaantood waxay noqonayaan qaraabo iyagoo u kala mudan sida ay u kala dhawyihiin marka lagu daro qaraabada kale ee ku sii xigta inta aynu soo sheegnay.
Xuquuqda ay qaraabadu leedahay waxa ka mid ah:- - In la xidhiidhiyo loona samafalo - In la booqdo lagana warhayo - In lagu caawiyo wixii wanaag ah wixii xuna laga qabto - In marka caawimo la bixinayo iyaga mudnaan gaar ah la siiyo - In lagala qayb qaato wixii hawl la soo derista 7. Xaqa Jaarka jaarka oo ah guryaha ku dhaw dhaw gurigaaga waxa ay leeyihiin xuquuq gaar ah iyagoo u kala mudan sida ay kuugu kala dhawyihiin. Marka guud ahaan jaarka laga hadlayo xuquuqdoodu waxay u kala baxdaa saddex - Jaarka qaraabada ah wuxuu leeyahay saddex xaq oo kala ah xaqa qaraabanimada, xaqa muslinimada iyo xaqa jaarnimo. - Jaarka aydaan qaraabada ahayni wuxuu leeyahay xaqa muslimada iyo xaqa jaarnimada - Jaarka aan muslinka ahayni wuxuu kugu leeyahay xaqa jaarnimada xuquuqda uu jaarku leeyahay way badan tahay waxaana ka mid ah - Inaad jaarkaaga ka war hayso xaaladooda. - In marka aad cuntada karsato soo hubsato jaarkaaga oo haddii aanay cunto karsan aad wax ka siiso - Inaad kala qayb qaadato hawlaha ku soo kordha - Inaad jaarkaaga ka ilaaliso wax kasta oo dhib ku ah wanaagna aad kula noolaato. - Xuquuqdaa iyo kuwo kale oo badan ayuu jaarku leeyahay qofkana laga doonayaa inuu ilaaliyo Maanta waynu ognahay jaarka iyadoo had iyo jeer ay dhexmaraan shaqaaqooyin iyo colaad taasoo keenta in meel lagaga dhaco xuquuqda jaarka oo Illaahay agtiisa aad ugu weyn 8. Xaqa muslimiinta
Marka laga yimaado xuquuqda aynu soo sheegnay waxaa kale oo jira xuquuq ay muslimiintu isku leeyihiin guud ahaan oo la doonayo in la wada ilaaliyo si ay walaalnimada muslimiintu u xoogaysato dhexdoodana ay uga jirto maxabo iyo isjecayl xuquuqda ay muslimiintu isku leeyihiina nabiga ayaa xadiis inooga cadeeyay waxaanay kala yihiin lixdan arrimood ee soo socda - Marka aad la kulanto qofka muslimka ah inaad ku salaanto salaanta Islaamka - Marka uu hindhiso inaad ku tidhaahdo “yar xama kalaah” - Marka uu talo ku waydiisto inaad la taliso - Haddii uu kaalmo kaa dalbado inaad caawiso - Haddii la dulmayo inaad u gargaarto - Haddii uu dhintana inaad raacdo oo aad ka qayb gasho aaskiisa xaqa muslimiintu. Waa mid ku salaysan walaalnimada muslimiinta ka dhaxaysa iyaga oo ku walaaloobay diinta Islaamka sidaa darteed ayay waajib tahay in la wada ilaaliyo xuquuqda muslimiinta oo marka la isku soo duuduubo noqonaysa “inaad walaalkaaga muslimka ah la jeclaato wixii aad naftaada la jeceshahay lana nacdo wixii aad naftaada la necebtahay” taasoo uu nabigu (c.s.w) xadiis inoogu cadeeyay.
Gabagabadiina waxa lagama maarmaan ah in la wada ilaaliyo xuquuqda saaran qofkasta ugana soo baxo sida ugu haboon ee uu karaayo haddii ay tahay xaqa uu ilaahay inagu leeyahay iyo xaqa ay dadku isku leeyihiinba iyadoo loo kala horaysiinayo sida ay u kala mudan yihiin.
ODHAAHDA AKHRISTAHA Dulmiga Shaqaalaha Dekedda Berbera Mudane Madaxweyne waxaad ku dhawaaqday in aad wax ka qabanayso cadaaladda. Haddaba qofkasta oo Muwaadin ahi dhulka xaq buu ku leeyahay, dhulkuna xaqbuu ku leeyahay qofka taana waxa masixi kara oo qofka ka maydhi kara laba siyaabood oo soo gala cadaaladda waxaanay kala yihiin.
1. Shaqada iyo shaqaalaha 2. Garsoorka Labadaa arrimood qofka cadaalad ka dhadhamin waayaa waxba kama jiraan wadaniyadiisa waxaanu noqdaa khaa’inul wadan. Hadaba mudane Madaxweyne waxaynu ognahay in aanu sida loogu tala galay u shaqayn Xafiiskii shaqaalaha taasina ay keentay in ay Hay’adaha dawladda qaarkood cadaalad darro ku hayso shaqaalaha maadaama aanu jirin xafiis uu u dacwoon karo qofka ay ka maqantahay xaquuqda shaqaaluhu.
Goobaha aad looga cabanayo waxaa ka mid ah Dekeda Berbera iyo Dawladaha hoose ee wadanka, waxaa ka dhacda Dekedda Berbera in qof shaqada laga eryo isagoon gelin wax dembiya oo lagu cadaynayo, iyo dulmi ka haysta shaqaalaha qaarkood dhinaca mushaharka siiba shaqaalaha hoose. Haddaba mudane Madaxweyne ha soo gaadho cadaaladaadu dabaqadaha hoose ee bulshada. Abshir Gaydh Cali.
Maamulka Cusub Ee CaasimaddaWaxaan U Soo Jeedinayaa Tallooyinkan
Madaxweynaha Somaliland wuxuu dhawaan xilkii Maayarnimo ka xayuubiyay Maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa iyo labadii maayar ku xigeen ee Caasimadda, sidaasina waxa meesha kaga baxay gudoonkii maamul ee Caasimadda Hargeysa oo shacabka degan caasimadu si xad-dhaaf ah ugu dhaliilayeen maamul xumo iyo dhulboob ay ku hayeen dhulka danta guud ee Caasimadda sida ku xusan Qoraalka xilka qaadistooda ee Madaxtooyada ka soo baxay todobaadkii hore, sidaasi darteed haddii maamul, maamul xumo xad-dhaaf ah lagu bedalo waxa maamulka cusub ee beddella la gudboon ama faralba ku ah maamul toosin xoog leh. Haddaba, gudoonka maamul ee Caasimadda loo igmaday todobaadkii hore waxaan u soo jeedinayaa qodobo aan isbiday fikradayda in ay u egyihiin maamul toosinta ra’yiga dadweynaha laga qaadan karo Sidaasi darteed; 1. Waxaan leeyahay maayaradda cusub ee Caasimadda Hargeysa hadal haynta dadka waxa fasira ee ka faallooda masuuliyiin xilalka loo magacaabo idinkoon wali hawl guda galin odhanaaya hawl aanay ka bixi karin ayaa loo magacaabay Iwm, waxan leeyahay yaanay maamul toosintiina iyo go’aankiina caqabad ku noqonin ee ku dhaqma oo ku hawlgala barnaamijkiina oo ka tujumaya rabitaanka bulshada Caasimadda. 2. Waxaad awooda saartaan nadaafadda Caasimadda guud ahaan, gaar ahaan-na sariibadaha iyo caafimaadka xoolaha lagu qalo Caasimadda iyo meelaha hilibka lagu iibiyo oo dayacan in loo helo goobo asturan Iwm 3. Waxaad ku dadaashaan waaxyaha ama degmooyinka Caasimadda inaad u samaysaan maamul adag haday noqonayaan xataa qoys kaliya, waayo shacabka waxa u dan ah muwaadin socodsiiya sharciga iyo nabada. 4. Kor u qaadista bilicda dhiraynta wadooyinka Caasimadda ee gaadiidka iyo wadooyinka dadka oo wakhtigan meel wada mara waxaanad isku hawshaan inaad baneysaan shaaracyada ku meel gaadhka loo dhistay iyo ka hortaga barxadaha wajahadaha laga furtay dukaamada waaweyn ee xidhay wadooyinkii dadku mari lahaayeen 5. Arrimaha dhulka waxaad la kaashaneysaan xal u halista xukuumada iyo sharciga dhulka ee u degsan dalka dacwadda dhulka waxaad isku dhaafisaan Maxkamadaha, waayo? xaq darrada iyo ka xaqa u leh wakhtigan ha u kala cadayso hay’adaha garsoorka waxaana suuragal ah in dad badan (200,000) ay dhul isku dacweynayaan. 6. Waxaad adkaysaan siyaasada ama hanaanka maamul ee dhulka ee aarkiifiyada Dukementiyada dhulka iyo guud ahaan sirta shaqada maamulka oo markii hore wadhatadu ogeyd. 7. Waxaad ku dadaashaan Gudoonkiina maamul in uu noqdo wada tashi waayo, waxaad ka warqabtaa ama hore u dhacay masuuliyiin shaqaalaha hortaada isku haysta ama saxaafadda ku yoo-yootama. 8. Waxaad isku daydaan inaad wuxuun ku dhaantaan maamulkii hore ee awooda maamul dayacay. Mawliid Aaden Cumar.
Faa’iidada WadooyinkaRasmiga Ah Ee Xuduudda Dhulka
Waxay ka mid tahay shuruudaha dawladnimo inay Somaliland yeelato wadooyin ay u aqoonsan tahay rasmi oo dalka laga soo gali karo ama la maro marka laga sii baxayo oo dhinaca xuduuda dhulka ee, rasmiga ah lama waayo? ilaalin karo badeecooyinka lagala baxsanayo cashuurta kastamka, iyo dalka ku soo burqanaya haddii aan sidaa la yeelin.
Sidaa awgeed, waxaa waajib ah in dawladdu ay ku dhaqaaqdo fulinta dhawr arrimood si ay Somaliland u yeelato wadooyin rasmi ah, waxana ka mid ah: 1. In la sameeyo khariidad (map) lagu muujiyay wadooyinka rasmiga ah ee xuduuda dhulka ee Somaliland yeelanayso. 2. In wadooyinka ku muujisan khariirada loo aqoonsado wadooyinka dalka ee rasmiga ah, wixii ay yeeshaan ama ay ka hawlgalaan laanta Socdaalka, Waaxda kastamada, saldhig Boolis, Ciidanka Ilaalada Xuduudda, iyo waliba xarun caafimaad. 3. In Ciidanka ilaaladda xuduudu ay hawlgal ku fuliyaan gaadiidka aan isticmaalin wadooyinka rasmiga ah, iyagoo hubinaya in ay sidaan badeecooyin kontarabaan ah, in ay ku lug leeyihiin ka ganacsiga maandooriyaha, iyo inay dalka soo galinayaan dad shisheeye ah. 4. In Ciidanka ilaaladda xuduudda lagu qalabeeyo gaadiidka baabuurta, diyaaradaha Helokobtarka, iyo isgaadhsiin fudud iyo guryaha laysku rakibo ee la geyn karo kolba meesha loo guuro. 5. In wadooyinka rasmiga ah loo dhiso sida ay Itoobiya u dhistay wadada u dhaxaysa Jig-jiga iyo Wajaale oo kale, iyo in miinada laga nadiifiyo. Somaliland waxay xuduudda dhinaca dhulka ah ku leedahay jihooyinka galbeed, koonfurta, iyo bari, sidaa awgeed, waxaa loo baahan yahay in khariidad lagu calaamadeeyo wadooyinka loo aqoonsan yahay rasmi ahaan iyo in wax laga qabto sidii horumarin loogu samayn lahaa. C/Raxmaan Siciid Maxamed
WAADIGA CIYAARAHA SALEEBAAN GURAY Luizao Oo Ku Biiray Harthe Barlin
Berlin (Reuters) – Weeraryahanka koobka adduunka ee reer Brazil Luizao ayaa saxeexay heshis afar sannadood ah oo uu la galay kooxda Hartha Berlin, sidaa waxa Khamiistii shaaca ka qaaday kooxda heerka koowaad ee Germany. 26-jirku wuxuu si xor ah uga soo wareegay kooxda Gremio ee Brazil, wuxuuna ka noqday fursadaha mar la araga ah, waayo wax lacag ah kuma joogo xilli-ciyaareedkii hore kaalinta fiican ka gashay tartanka Bundesliga. “Horumar weyn bay ii tahay inaan heshiiskan saxeexo. Waxaan joogayaa afarta sannadood ee aan heshiiska saxeexay, waxaanan doonayaa inaan goolal badan dhaliyo,” ayuu yidhi Luizao.
Luizao oo shan gool ka dhaliyay 11 ciyaarood oo uu Brazil u saftay, wuxuu saftay laba kulan koobkii adduunka ee ay ku guulaysteen. Labada goorba wuxuu beddelay Ronaldo ciyaarihii ay la yeesheen Turkiga, laakiin kamuu qaybqaadan kulankii kama-dambaysta ee ay koobka ku hantiyeen 2-0 ay kaga badiyeen Germany.
Harthe, waxay Luizao raajicinaysay muddo bilo ah. Dhaliyaha ku xeel-dheer goolasha xereda ganaaxa dhexdiisa ahi wuxuu doortay Gremio March-tii kal hore, kadib markii dagaal weyni ku dhexmaray kooxdiisii hore Corithians, oo diiday inay iibiso.
Inkasta oo uu ku guulaystay inuu wakiilkiisu si xor ah ula baayac-tamo, haddana tallaabadaasi waxay ku qaadatay bilo. Harthe oo kaalinta afraad ka gashay horyaalka xilli-ciyaareedkii hore, waxay ciyaaraysaa tartanka UEFA Cup. Waxaa hore ugu soo xerogalay laba Brazili oo kala ah; Marcelinho iyo weeraryahanka Alex Alves. Harthe Berlin waxay dedaalka ay horyaalka ugu jirto ku bilaabaysaa kulan ay 9 August la yeelanayso Borusia Dortmund oo horyaalka haysata.
Rivaldo Oo Ku Gacan- Saydhay Codsi Uga Yimid Leeds United England (AP) – Guddoomiyaha Leeds Peter Ridsdale ayaa Arbacadii caddeeyay inuu ka noqday oo uu isbeddelay heshiis uu doonayay inuu la saxeexdo xiddiga reer Brazil ee Rivaldo.
30-jirka weerarka ka ciyaara oo ay Barcelona sii daysay ayaa sheegay inaanu u baahnayn koox Leeds oo kale ah. Waxaa suurtogal ah inuu hadda midkood ku biiro kooxaha Lazio, AC Milan iyo Newcastle United.
“Wuxuu dalab ka helay mid ka mid ah kooxaha horyaalka Laliga, laakiin ma filayo inuu lahayo ciyaaraha Ingiriiska,” ayuu yidhi Ridsdale. “Waxaan telefoon ka helay mid ka mid ah wakiiladiisa Barcelona, waxaanan weydiiyay bal inuu Rivaldo rabo inuu noo yimaado iyo inkale, balse wuxuu ii sheegay inaanu danaynayn horyaalka Ingiriiska,” ayuu ku daray Redsdasle oo ka hadlaya siduu ugu guuldaraystay dalabkii Rivaldo.
Redsdale wuxuu intaa ku daray oo uu sheegay in arrintu ka xumaatay oo la isku af-garan waayay mushahaarka la siinayo Rivaldo. “Waxa kale oo uu saluugay kooxda iyo kubadda Ingiriiska,” ayuu yidhi Redsdale.
Pires Oo Qiray Inuu Muddo Ka Maqnaanayo Ciyaaraha Paris (Reuters) – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska Roberto Pires ayaa sheegay inuu ka soo raynayo dhaawacii ka gaadhay ruuga, balse wuxuu beeniyay inuu garoomada ku soo laabanayo muddo saddex toddobaad kadib ah. “Ma garanayo meesha ay ka timi sheekada saddexda toddobaad aan ku soo kabanayo,” ayuu yidhi Pires.
29-jirka caalamiga ahi wuxuu sidaa u sheegay maalinlaha ciyaaraha ee L’Equipe.
Warar ay wargeysyada Ingiriisku daabaceen toddobaadkii hore waxay sheegeen in Pires u sheegay inuu ciyaaraha kusoo laabanayo, si toos ahna uu uga qaybgelayo tartamada marka la gaadho bisha October. Pires wuxuu qiray inuu si wanaagsan u shaqaynayo iyo in wax waliba wanaagsanaanayaan. Balse wuxuu muujiyay in uu ka fiirsanayo tallaabo kasta oo uu qaadayana uu deggenaan ku bilaabayo.
“Ma yeelayo inaan ku dhaqaaqo wax aan lama-huraan ahayn ama aaqn khatar aan ku galo ciyaaraha laba ciyaarood oo ay Arsenal iyo Arsene Wenger igu cadaadiyaan,” ayuu yidhi Pires. Pires oo sannadkii tegay loo doortay ciyaaryahanka sannadka ee kubadda Ingiriiska, kadib markii ay qiimeeyeen qorayaasha xidhiidhka kubadda cagtu.
Wuxuu dhaawacu gaadhay bishii March, kaas oo seejiyay koobka adduunka. Waxaana la qalay bishii May markii uu ku taliyay khabiir ku xeel-dheer dhaawacyada ciyaartoyga.
Pires oo lagu daweeyo magaalo ku taal koonfurta Faransiiska oo uu ku galay cusbitaal lagu magacaabo Saint Raphael, ayaa caddeeyay inuu weli ku jiro goobtii dhaawacayntu uga socotay, wuxuuna yidhi.; “Waxaan ku jirayaa St Rephael tan iyo 15 August, kadibna waxaan qabanayaa xarunta tijaabada Arsenal, halkaas oo aan ku jirayo inta bishu ka dhammaanayso; “Waxaan filayaa inaan xulka ku soo noqonayo ilaa bilowga September sida ii qorshaysan,” ayuu ku daray.
|