Haatuf, Cadadki 124, July 28, 2002

Safarkii Madaxweyne Rayaale: Su’aalaha Ka Dhashay Iyo Xogaha Ka Soo Kordhay

“Waxaanu Helnay Dhokomenti 40 sanno qarsoonnaa oo aanu hordhignay Madaxda Itoobiya”Wasiirka Arrimaha Dibadda

 

Hargeysa (Haatuf): Shir-jaraa’id oo uu Madaxweyne Daahir Rayaale ku qabtay Madaarka Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal saddex maalmood qaatay oo ay isaga iyo wefti u hogaaminayey ku joogeen caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa waxa uu ku sheegay inuu safarkaasi ahaa mid ay guul kala soo guryo noqdeen, isla markaana waxa uu tilmaamay inay arimo dhawr ah isla gaadheen Madaxda dawladda Itoobiya ee ay la kulmeen, iyadoo ay Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu Adis-ababa kulamo kula yeesheen Madaxweynaha iyo ra’iisal-wasaaraha Itoobiya iyo weliba wasiirka arimaha debedda iyo saraakiil kale oo dawladda Itoobiya ka tirsan.

 

Hase yeeshee inkasta oo uu Madaxweyne Rayaale guul sheegtay, isla markaana uu tilmaamay inay Madaxda Itoobiya si weyn u qaabileen, haddana sida ay caadadu tahay waxa jira faallooyin iyo faaqidaado laga bixiyey safarka Itoobiya ee Madaxweyne Daahir Rayaale iyo weftigiisii, taas oo ay su’aasha ugu horaysa ee ay dadku iswaydiiyeen ama iswaydiinayaan tahay, muxuu kaga duwan yahay socdaaladii hore ee ay Madaxda sare ee Somaliland ku tegi jireen Itoobiya, marka taa laga yimaadona waxa jira waxoogaayo dareen ah ee ka dhashay arimaha ay labada dhinac isla qaateen ama ku heshiiyeen, tusaale ahaan qaar ka mid ah dadka ka faallooday socdaalka weftiga Daahir Rayaale iyo waxyaalaaha ay madaxda Itoobiya isla soo afgarteen ayaa muujiyey tuhun aan xaqiiq ahayn oo la xidhiiidha qoddobada dhinaca ganacsiga ku saabsan, taas oo ay dadka tuhunka noocaas ah muujinayaa iswaydiinayaan ama leeyihiin waxay labada dhinac ku soo heshiiyeen in xoolaha Itoobiya ee khaliijka u dhoofayaa ay socdaal ( Transit) ku maraan Somaliland, iyaga oo isticmaalaya dekedda Berbera, taasina hadii ay wax run ah noqoto waxay dad badani u arkaan arin khatar ku ah xaaladda dhaqaale iyo ganacsi ee dalka, iyadoo ay su’aalaha ay dadku iska waydiiyeen ama faaqidaadda ay ka bixiyeen socdaalkii Itoobiya ee weftigii Madaxweyne Rayaale ay lin-gax uga dhigayaan ama ku soo afjarayaan, safarka madaxwyne Rayaale iyo weftigiisu ay ku tageen Itoobiya, maxaa cusub ee uu kaga duwan yahay safaradii hore.

 

Sidoo kale arimaha faaqidaadda laga bixiyey waxa ka mid qadiyadda ictiraafka, taas oo la iska iswaydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin: tolow sidee bay weftiga Madaxweyne Rayaale madaxda itoobiya ugu bandhigeen ka hadalkeeda, maxaase naf ah oo ku jirta jawaabta ay madaxda Itoobiya weftiga Rayaale ka siiyeen qadiyadda ictiraafka, iyadoo uu nuxurka iswaydiintu yahay arintu af-gobaadsigii madaxda looga bartay baa, mise waxa jirta qoto ka sii dheer ereyada uu madaxweynuhu ku tiraabay.

 

Wargeyska Haatuf, isaga oo ka duulaya ama jawaab u baadi doonayaa su’aalahaa iyo qaar kale oo ay dadku ku faaqidayaan natiijada booqashadii saddexda maalmood qaadatay ee ay toddobaadkii ina dhaafay Madaxweyne Rayaale iyo wefti uu hogaaminayaa ku tageen dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay ayuu isku deyey inuu raadiyo xogo dheeraad ah oo la xidhiidha bal waxa ay weftiga Rayaale kala kulmeen Adis-ababa iyo natiijada ay la soo guryo-noqdeen inay tahay mid laga dhex heli karo jawaab baadi u ah su’aalaha ay dadka qaarkood xaganaya.

 

Warar iyo xogo laga weriyey caasimadda Itoobiya oo u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqa booqashadii Adis-ababa ee weftiga Madaxweyne Rayaale iyo wada hadaladii ay weftigaasi la yeesheen madaxda Itoobiya ayaa tibaaxay inay marka hore soo dhowaynta lagu qaabilay weftiga Rayaale ay u muuqatay mid aad mooddo inay ka shilis tahay intii hore, laakiin tafaasiil dheeraad ah lagama bixin inta ay arinta soo dhawayntu qiimo le’ek tahay, laakiin dhinaca kalena waxa noo suurta gashay inaanu arintaa kala sheekaysano goobta ku dhodhowaa oo Adis-ababa jooga. Sidoo kale waxa, iyana noo suurta gashay inaanu arintaa xog-waraysi dheeraad ah kala yeelano xubno ka mid ah weftigii Madaxweyne Rayaale.

 

“Horta waa been oo waxba kama jiraan sheekada ah Itoobiya waxa loo fasaxay xoolo-nool, taasi majirto, laakiin keliya waxa loo ogolaaday inay dhoofiyaan xoolaha-qallan, ta kale ma jiro wax taraansit ah oo aanu Itoobiya u ogolaanay ama aanu ku heshiinay” , sidaa waxa yidhi wasiirka arimaha debedda Somaliland, Maxamed siciid gees oo ka mid ahaa weftigii Madaxweynaha ee Itoobiya, laakiin wasiirku, isaga oo tafsiir ka bixinayaa sida loo qaabilay iyo inay qaabilaadaasi ahayd mid intii hore ka shilis sida ay wararka qaarkood tibaaxayaan, waxa uu yidhi “ Anigu dhawr goor baan madaxweynihii hore ee geeriyooday, mar keliya wasiir nagama hor iman, laakiin maalintii dhowayd waxa diyaaradda hoosteeda sii taagnaa wasiirka tamarta dawladda Itoobiya iyo gabadh yar oo ubax gudoonsiisay Madaxweynaha, waxaana naloo goglay ilaa VIP-da Kaarbad cas ( Red_Carbet), sidoo kale waxa nalagu qaabilay V.I.P-da uu ra’iisal-wasaaruhu ku qaabilo weftiyada gaarka ah, horena nalooguma qaabilin halkaa, iyadoo ay jiraan laba VIP, waxa kale oo aanu la kulanay Madaxweynaha Itoobiya oo aanaan hore ula kulmi jirin”.

 

Wasiirka, mudane Gees waxa kale oo aanu waydiinay inay xubnahoodii wasiirada ahaa Madaxweynaha kala qayb galeen dhammaan kulamadii uu la yeeshay madaxda sare ee Itoobiya iyo in gaar looga faqay sidii hore u dhici jirtey, wuxuuna ku jawaabay “ Ma jiro kulan qudha oo aanaan ka qayb gelin ama nalaga reebay ee kulan kasta barbarkayaga ayaanu ka fadhinay oo doodda iyo hadalka badhkayaga ka dhiibanaynay, hadii ay kulankii Madaxweynaha tahay iyo hadii ay kulankii ra’iisal-wasaaraha tahay iyo hadii ay kulankii wasiirka arimaha debedda tahay iyo hadii ay cid kale tahayba”, laakiin wasiirku waxa uu intaa ku daray inay madaxda Itoobiya kii ay la kulmaan-ba marka ugu horaysa u qadimayeen ka hadalka iyo soo bandhigidda qadiyadda ictiraafka Somaliland, “ Arinta ictiraafka markii aanu ka hadlaynay arintu hadal oo qudha ma ahayn, laakiin waxaanu farta ka saarnay dhokmantisyo sheegaya ama qeexaya xuduudaha iyo jiritaanka Somaliland” ayuu yidhi, Gees., wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi “ Waxaanu helay dhukmantis qeexaya ina Somaliland ka diiwaan-gashan tahay qaramada midobay. 

 

Hase yeeshee wasiirku, isaga oo si guud tilmaan uga bixinaya nooca ay yihiin dhokmantisyada ay madaxda Itoobiya hor dhigeen ee ku saabsan qadiyadda Somaliland waxa uu sheegay inuu ka mid yahay dhokmentis qarsoonaa 40-kii sannadood ee ka dambaysay markii ay Somaliland xorriyadda ka qaadatay Ingiriiska oo dhowaan la helay oo qeexaya inay Somaliland ka diiwaan-gashan tahay qaramada midoobay, iyadoo uu dhokmantiskaasi qeexayo in Somaliland qaramada midoobay laga diiwaan geliyey 26-kii juun, 1960-kii, waqtigaas oo ahayd markii ay Somaliland gobanimadeeda ka qaadatay Ingiriiska, taas oo heshiiskii ay xiligaa kala saxeexdeen Somaliland iyo dawladdii mustacmarka ahayd ee Great Britain la geeyey Xarunta qaramada midoobay, sidaa darteed sida uu dhigayo qoddobka 102 ee xeerarka qaramada midoobay waxay Somaliland qaramada kaga diiwaan-gashay dawlad jirta, waxaana dhokmantiskaa ku cad inay Somaliland kaga diiwaan-gashay qaramada midoobay dal ay aqoonsadeen 35 dawladood oo ay ku jireen qaar ka mid ah Xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka, iyadoo uu qoddobka 102aad ee xeerka qaramada midoobay dhigayo in heshiiska noocaas oo kale ah ay geli karaan keliya laba dawladood, sidaa darteed maadaama ay heshiiskaa wada galeen Somaliland iyo Graet Britain ay taasi cadaynayso inay Somaliland ahayd dal madax banaan oo ka diiwaan gashan qaramada midoobay.  Dhokmantisyada uu wasiirka arimaha debeddu sheegay inay madaxda Itoobiya farta ka saareen waxa kale oo ka mid ah heshiiskii gobanimada lagu siiyey Somaliland, kaas oo ay ku cadahay inay Somaliland ahayd dal iskii u taagan oo leh xuduudihiisii dalnimo.

 

“Poli-sario (Boolisaariyo-Jabhad) oo aan dhul-ba haysan ayaa safaarad ku leh Itoobiya oo ku jirta ururka midowga Afrika, waar anaga oo ah dal calan leh oo dawlad ah oo leh dal ay xuduudo la yaqaan leh maxaad noo ictiraafi waydeen ayaanu ku nidhi madaxda itoobiya” ayuu yidhi, mudane Gees, laakiin waxa kale oo uu intaa ku daray inay dacwadda qadiyadda Somaliland u qabteen qareen Ingiriis ah, wuxuuna wasiirku, isaga oo arinta qareenka uu sheegay inay ka hadlaya yidhi “Qareenkaasi qoraal uu noo soo diray ( intuu kor u taagay oo na tusay) waxa uu ku yidhi hadii aad ictiraaf doonaysaan waa inaad afar shuruudood buuxisaan, waxayna afartaa shuruudood kala yihiin:1-dad la yaqaan oo joogto ah 2- dhul leh xaduudo la yaqaan 3-hanaan dawladeed oo shaqeeya iyo 4-inaad awood u leedihiin inaad heshiis la gashaan dawlad kale oo aad fulin kartaan, shuruudahaas oo dhamina way cad yihiin”.

Marka laga yimaado arimaha ay weftigii Madaxweyne Rayaale hor-dhigeen dhinaca qadiyadda aqoonsiga, waxa dhinaca kalena iswaydiintu noqonaysaa, garanay intaa, laakiin madaxda Itoobiya maxay dhinacooda taa kaga jawaabeen.

 

Madaxweyne Rayaale markii uu madaarka kula hadlayey saxaafadda waxa uu si kooban u sheegay inay madaxda Itoobiya si fiican oo is afgarasho leh uga wada hadleen qadiyadda ictiraafka,  laakiin madaxweynuhu wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo waxa ay madaxda Itoobiya arintaa iskala meel dhigeen, hase yeeshee wasiirka arimaha debedda, mudane Gees waxa uu isna farta ku fiiqay inay arintaa kala soo guryo noqdeen natiijo yididiilo leh, laakiin wuu ka gaabsaday inuu diirka ka siibo istaraatijiyadda loo jeexay ka midho-dhalinta arintaa.

 

“Anigu wax kale garan maayee nimanka si weyn loo qaabilay.” Sidaana waxa Haatuf ku yidhi qof markii ay weftigu Madaxweyne Rayaale Itoobiya tageen ku sugnaa Addis Ababa.

 

Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeen Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu waxay isu muujiyeen inay yihiin niman guul iyo yididiilo la soo guryo noqday, laakiin aynu sheekada ku soo af-jarno war jiraaba cagaara ayuu iman.

 

Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga La Qabanayo Doorashada D/Hoose Iyo Diiwaan-Gelinta Dadka

Hargeysa (Haatuf): Guddiga Doorashooyinka Qaranka (National Electoral Commission), ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay muddada ay u cayimeen in la qabto doorashada koowaad ee dawladaha hoose, isla markaana shaaca ka qaaday in isku mar la qaban doono doorashada koowaad iyo tira-koobka cod-bixiyayaasha. Sidaana waxa lagu caddeeyay go’aano qoraal ah oo uu guddigu u diray Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, loona gudbiyay Saxaafadda.

 

Sida qoraalkaas ku cad, guddiga doorashooyinku wuxuu go’aamiyay doorashooyinka dawladaha hoose in la qabto Oktoobar 27, 2002 oo ku beegan bisha Shacbaan 21, 1423 Hijriya, ahna maalin Axad ah.

 

Sidoo kale, wuxuu Guddigu go’aamiyay in isla wakhtigaasna la sameeyo diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha oo ay isku-mar dhacaan doorashada koowaad iyo diiwaan-gelintu. Guddiga doorashooyinku, waxa kale oo uu go’aamadaas ku ladhay tallooyin iyo soo jeedino ay ku kaabeen.

Go’aamadaa iyo soo jeedimahaa ku lammaan ee guddigu soo saarayna, waxay u dhignaayeen sidan:

 

“Cayimaadda Wakhtiga Doorashada Koowaad ee Golayaasha Deegaanka

1.       Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland,

2.       Markuu arkay, Dastuurka Qaranka,

3.       Markuu arkay, xeerka Doorashooyinka Lambarkiisu yahay 20/2001, qodobkiisa 14aad farqadiisa 1aad ee awoodda u siinaaya Komiishanka, cayimaadda wakhtiga doorashooyinka.

4.       Markuu tixgeliyay, tallooyinka iyo rabitaanka dadweynaha iyo ururada Siyaasadeed, isla markaasna yaqiinsaday ahmiyadda Doorashada Deegaannadu u leedahay, geedi-socodka Dimuqraadiyadda, xasilloonida iyo himilada Siyaasadeed ee la hiigsanaayo,

5.       Markuu la tashiyo badan la yeeshay dhammaanba qaybaha kala duwan ee Bulshadu ka kooban tahay, si buuxdana xog-ogaal ugu noqday duruufaha ka jira Gobollada iyo Degmooyinka dalka,

6.       Isagoo tixgeliyay arrimaha kor ku xusan, isla markaasna xeeriyay wakhtiga kooban ee ka hadhsan jadwalka Doorashooyinka (Insufficient Time).

Wuxuu Komiishanku go’aamiyay:

1.        In Doorashada koowaad ee Golayaasha Deegaannada la qabto, taariikhdu markay tahay 27 Octoobar ee 2002 (Maalin Axad ah), kuna beegay 21-ka bisha Shacbaan ee 1423 Hijriya, iyadoo la raacaayo sida waafaqsan qodobka 48aad ee hawl-galka cod-bixinta.

2.       Si looga midho-dhaliyo Doorasho taabba-gal ah ee ku dhacda hab Dimuqraaddi ah, soona jiidan karta indhaha iyo kalsoonida Caalamka, waxaa lagama maarmaan ah, in la fuliyo talooyinka hoos ku qeexan, Doorashada ka hor:

a)       In Xukuumaddu, xil gaar ah iska saarto, wax ka qabashada, gurmadka degdegga ah ee looga baahan yahay in ay kaga jawaabto talo-soo-jeedintii Koomishanku ku soo bandhigay warbixintoodii la xidhiidhay kormeerka Gobollada.

b)       Ururada Siyaasadda, waxa lagu baraarujinayaa in ay baalasha la baxaan, iyagoo fidinaaya barnaamijkooda Siyaasadeed, kana hawl-galaaya baahinta wacyi-gelinta bulsho-weynta, kaalintoodana ka qaataan wanaajinta jawiga Saaxadda Doorashooyinka.

c)       Dadweynaha ku abtirsada Somaliland, Gudo iyo Dibedba, waxaa laga filayaa in ay kaalinta iyo waajibaadka kaga beegan ka qaataan fursaddan taariikhiga ah ee furaha u ah ku guuleysiga xubin ka noqoshada Beesha Caalamka.”

“Go’aanka Koomiishanka Doorashooyinka ee ku saabsan Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha

Ø         Komiishanku,

Ø         Markuu arkay, xeerka Doorashooyinka, Lr 20/2002,

Ø         Markuu si gaar ah u dersay, una lafa-guray, qodobada hoos ku sheegan

a.       Qodobka 5aad ee shuruudaha cod-bixiyaha

b.       Qodobka 6aad ee xuquuqda cod-bixiyaha

c.       Qodobka 14aad ee awoodda Komiishanka, farqadiisa 9aad ee diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha.

Ø         Markuu, la tashaday, sharci-yaqaan ku xeel dheer shuruucda iyo qawaaniinta Doorashooyinka,

Ø         Markuu dhegeystay talo-bixinta aqoonyahano shisheeye ee aqoon iyo waayo-aragnimo u leh farsamda Doorashooyinka, siiba kuwa ka qabsoomay qaarradda Afrika oo siyaabo badan inooga Horumarsan,

Ø         Markuu qiimeeyay talo-soo-jeedintii shacabweynaha kala deggan Gobollada iyo Degmooyinka Dalka,

Ø         Markuu xeeriyay mashaakilka iyo duruufaha la xidhiidha,

a)       Cimilada xilliyeed ee Dalka.

b)       Muddada kooban ee aan lagu wada fullin karin hawl-gal Doorasho iyo Diiwaan-gelinta.

c)       Awoodda dhaqaale oo xaddidan, laguna tashan karin kaalmo debbadeed oo aan weli faro ku jirin,

Iyadoo Maanka iyo Maskaxda lagu hayo arrimahaas oo dhan, wuxuu Komiishanku, go’aamiyay:

1.       In la mideeyo, isku marna la wada fulliyo waajibaadka Diiwaan-gelineed iyo Doorashada koowaad ee Deegaannada,

2.       In natiijada ka soo baxda Diiwaan-gelinta looga faa’iideeysto, labada Doorasho ee hadhsan.

Allaa Mahad leh,

Saxeexa Komiishanka Doorashooyinka Qaranka,

1.       Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar,

2.       Axmed Xaaji Cali Cadami,

3.       Shukri Xaaji Ismaaciil,

4.       Maxamed Sheekh C/laahi

5.       Axmed Aadan Cali,

6.       Maxamuud Garaad Maxamed,

7.       Muuse Jaamac Maxamed.

 

“Biyo Ma Hayno, Biyo Ma hayno”

Haween iyo Carruur ooman oo is-hortubay xarunta Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Subaxnimadii shalay, abaaro 9:00 Am, ayaa dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa boqol qof oo u badnaa dumar sitay caagado madhan oo ah, kuwa biyaha lagu dhaansado oo ka yimi xaafadaha dhinaca koonfureed ee magaalada Hargeysa ay socod ku tageen xarunta wakaaladda Biyaha ee Hargeysa.

 

Dadkasi waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen, “Biyo ma hayno, biyo ma hayno,” waxaanay garaacayeen korna u taagayeen caagado madhan oo ah kuwa biyaha lagu shubto.

 

Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, ayaa buuqa dadkaa aawadii xidhay albaabka hore ee laga galo Kaanboolka Dhismaha Maamulka Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa. Hase yeeshee, markii dambe waxa u soo baxay dadkaas Eng. Cali Xaaji Maahir oo ka tirsan hawl-wadeenada Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, waxaanu ka codsaday in ay iska soo saaraan 3 – 4qof oo gala gudaha xafiisyada Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, laakiin dadkii cabashada waday ee Haweenka u badnaa kumay guulaysan in ay si degdeg ah u xulaan dhowr qof oo ujeeddada cabashadooda u gudbiya Maamulka Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, waxaana xaaladda oo halkaa mareysa soo dhex-galay koox ka tirsan Ciidamada Booliska oo wadatay gaadhi Xaajiyad ah, markii ay boolisku soo gaadheen goobtii ay dadka cabanayaa taagnaayeen oo ahayd Albaabka Wakaaladda Biyaha hortiisa, waxay boolisku bilaabeen in ay dadkii ku amraan in ay kala tagaan. Nin ka tirsan Booliska goobtaa tegay, ayaa markiiba ku dhawaaqay erayadan; “Ma keligood, ayaa biyo la’, meesha ka darreera.”

 

Runtii hawl-wadeenada Booliska ah ee hawshaas ka qayb-galay, waxay ku guulaysteen markii hore in ay dadkaa cabanayay intoodii badneyd ay kala kaxeeyaan, iyada oo aanu dhicin wax gacan-ka-hadal ahi. Hase yeeshee, tiro kooban oo dadkaa cabanayay ka mid ahayd, ayaa ka dhaga-adeygay in ay qaataan amarkii booliska ee ahaa in ay kala tagaan, arrintaasina waxay keentay in Jawigu is-bedelo oo ay is-baacsadaan askartii iyo xubno ka mid ahaa dadkaa biyo la’aanta ka cabanayay oo haween ahaa, booliskuna laba-laba askari ilaa saddex ayay ugu gacan qaadeen dadkaa.

 

Runtii waxaa muuqatay in uu liito war halista boolisku, waxaana ka haboonayd haddii ay boolisku kagaga hor-tegi lahaayeen jidkii  ay dadkaasi soo mareen, haddii aanu isu soo baxaasi sharci ahayn, si looga hortago in cabasho ay isu bedesho, rabshado waxyeelo sababa.

 

Dhinaca kale, hawlaha Biyo yaraanta, ayaa sababay cabasho soo noq-noqonaysa oo lala hortaagan yahay xafiisyada Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay hareeraha ka xigaan xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Macdanta iyo Biyaha iyo Xarunta Madaxtooyadu, isla markaana waxaa jira xaalad cidhiidhyoon oo biyo yaraan ah, taas oo xaalad meehanow ah dhalisay.

 

Warar Iskhilaafsan Oo Ku Saabsan Socdaal C/Laahi Darawal Ugu Kicitimay Ingiriiska

Saraakiisha UNHCR iyo Wasaaradda Dib-u-dejinta

Somaliland oo ka hadlay Qaxootiga laga soo celiyay Djabuuti

 

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland, Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) ayaa Jimcihii doraad u ambabaxay dalka Britain (Ingiriiska).

 

Socdaalka Wasiirka war rasmi ah lagama bixin, waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan.

 

Warar laga helay illo ku dhow-dhow safarka Wasiirka ayaa sheegay in Socdaalka Wasiirku yahay mid la xidhiidha soo celinta qaxooti u Dhashay Somaliland oo ay dawladda Ingiriisku diiday inay aqbasho codsigooda magan-gelyo doonka ah, taas oo ay dawladda Somaliland iyo laanta Socdaalka ee Ingiriisku ay beryahan dambe ka wada xaajoonayeen.

Wararku waxa ay intaa ku dareen in wasiirku ku baxay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay wasaaradda arimaha gudaha ee dawladda Britain (Home Office), hase yeeshee agaasimaha guud ee wasaaradda dib-udejinta Cabdilaahi Cumar Xasan ayaa beeniyey wararkaa.

Agaasimaha guud oo aanu telefoon kula xidhiidhnay, waxna ka waydiinay ujeedada Socdaalka Wasiirka waxa uu sheegay in safarkaasi uu yahay mid Wasiirka khaas u ah, taas oo uu yidhi agaasimaha guud waxa uu u baxay hawlo, isaga u gaar ah.

 

“Home office-ka ballan baanu la lahayn” ayuu yidhi agaasimaha guud ee di-udejinta oo aanu waydiinay martiqaadka la sheegay inuu Cabdilaahi Darawal ka helay wasaaradda arimaha gudaha Britain, laakiin waxa uu agaasimaha guud sheegay inaanu wasiirku u tegin ballantaa, waxaanu intaa ku daray inay suurta gal tahay in haddii uu fursad u helo uu soo marayo hay’addaa.

 

Wufuud ka socota Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo waaxda socdaalka ee Ingiriiska ayaa booqashooyin ku yimi Somaliland labadii bilood ee ina dhaafay, waxayna wufuudaasi dawladda Somaliland kala xaajoodeen sidii dalka Ingiriiska looga soo celin lahaa dad u Dhashay Somaliland oo qaxooti ku ah dalka Ingiriiska, laakiin loo diiday in la siiyo aqoonsi qaxootinimo. Masuuliyiinta Ingiriisku waxay ku doodayaan inuu Somaliland ka jiro maamul hanan kara dadkiisa, isla markaana ay dhammaatay duruufihii ay markii hore uga qaxay dalkooda, nabadgelyaduna ay sugan tahay. Hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo la kulmay laba sarkaal oo ka kala socday laanta Socdaalka iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha Ingiriiska dabayaaqadii bishii May ee ina dhaaftay ayaa u cadeeyey dawladda Ingiriiska inaanay Somaliland diyaar u ahayn inay qaabisho dad lagu soo celiyo, taas oo uu sheegay inaanay qaadi karin dhaqaale ahaan. 

 

Arintani waxay qayb ka tahay dedaal ay dawladaha Yurubtu wadaan oo ay ku doonayaan inay ku joojiyaan dadka magan-gelyo doonka ah ee dalalkooda soo gelaya, taas oo ay ku baraarugeen ka dib 11-kii Sabtembar 2001, weerarkii duqaynta ee New-york iyo Washington, waxaana ka aloosan dalalkaa dood ku saabsan dhibta iyo dheefta ay dadkaasi u leeyihiin joogitaanka dalalkooda.

Marka la eego doodaha Reer-Yurub qaarkood waxay Somaliland tusaale ugu soo qaaataan in hadda looga soo baro kicin colaado ka jira, laakiin ay dadku uga soo haajiraan si ay dhaqaale u helaan, iyadoo daraasad dhawaan la daabacay lagu sheegay in debedaha looga diro aduun dhan 5 milyan oo doolar sannadkii, taas oo ay ku tilmaameen afar dakhli ka soo gala waxa keliya ee ay debedda u dhoofiso Somaliland oo ah xoolaha nool.

 

Dhinaca kale, hawsha dib u soo celinta qaxootiga ee ku jiray xeryo ku yaalay dalka Jabuuti, ayaa la soo gebogebeeyey sida ay sheegeen masuuliyiinta hayadda UNHCR iyo masuuliyiinta wasaaradda dib-udejinta ee dawladda Somaliland oo Shir-Jaraa’id ku qabtay Wasaaradda Warfaafinta.

 

Dib u soo celinta qaxootigaa waxa iska kaashaday hayadda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo wasaaradda dib-udejinta ee dawladda Somaliland.  Qaxootigaa oo lagu soo celiyey gobolka Awdal iyo gobolka Hargeysa waxa qaybtii u dambaysay ka soo hor kacay madaxa xafiiska hayadda UNDP u qaabilsan, ahna isuduwaha gargaarka Somaliland iyo Somaliya, Mr. Maxwell Gaylard oo booqasho ku yimi Somaliland iyo masuuliyiinta xafiiska UNHCR ee Hargeysa

 

Mr. Gaylard oo ay weheliyaan Simone Wolken oo ka socota xafiiska UNHCR ee Somaliya, Ben Akinola oo isna madax ka ah xafiiska UNHCR ee Hargeysa iyo agaasimaha guud ee wasaaradda dib-udejinta Somalilan ayaa shirka jaraa’id ee ay ku qabteen xarunta wasaaradda warfaafinta waxa uu Mr. Gaylard ku sheegay in maamulka Somaliland ay waajib ku tahay inay soo ceshato dadkeeda qaxootiga kaga maqan, qaramada midoobayna ay tahay inay gacan ka siiyaan in dadkaasi ay dib ula qabsadaan nolosha degaamadii ay ka qaxeen .  Sidaa darteed waxa uu sheegay inay UNHCR iyo hayadaha kale ee qaramada midoobay ay ka caawinayaan dadkaa dhinacyada caafimaadka, biyaha iyo Waxbarashada.

 

Sida ay masuuliyiintaasi shirkaa Jaraa’id ku sheegeen waxa Jabuuti laga soo celiyey qaxooti ay tiradoodu gaadhayso ilaa 2938 qoys oo ka kooban 13996 qof, kuwaas oo inta ugu badan la deegaameeyay Jidhi, Cabdiqaadir iyo Xariirrad oo Gobolka Awdal ah.

 

Mr. Gaylard oo socdaal dhulka ah ku tegay Djabuuti, waxa uu bogaadiyay nabadgelyada ka jirta Somaliland, waxana uu yidhi:

“Socdaalka dheer ee habeen iyo maalin aanu soconay, waxay markhaati u tahay nabadgelyada ka jirta Somaliland.”

 

“Xalku Wuxuu Noqonnayaa Waxay Ummaddu Ku Tashato Iyadoo Isu Dhan”

Saleebaan-gaal—Waraysi

Hargeysa (Haatuf): “Dalka waa inay doorasho ka dhacda, laakiin waxay leedahay shuruudo, marka ay shuruudahaasi fulaan ee doorashada la diyaariyo waanu ka qayb gelaynaa,” sidaa waxa yidhi, gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo uu wargeyska Haatuf waraysi la yeeshay khamiistii toddobaadkii ina dhaafay.

 

Waraysiga uu wargeysku la yeeshay gudoomiyaha ASAD waxa uu ka dambeeyey heshiis 12 qoddob ka kooban oo ay wada jir u saxeexeen 8 urur-siyaasadeed habeenimadii khamiistu soo gelaysay 24-kii Julay 2002. qoddobada ay sideedaa urur  wada saxeexeen oo ahaa qoddobo ku waajahan hawlaha doorashooyinka waxa ka maqnaa munaasibadii lagu saxeexay ururka ASAD, taas oo ururka ASAD ka dhigtay ururka keliya ee aan ku jirin arintaa, waxayna maamulayaasha Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland oo mawduucaa daadihinaysay sheegeen inay ururka ASAD ku casuumeen mawduucaa, laakiin aanay waxba ka ogayn sababta ay umaqnaadeen. Hase gudoomiyaha ASAD, Saleebaan-gaal oo aanu isna dhiniciisa waydiinay sababta uu ururkiisu uga maqnaaday munaasibaddaa ayaa sheegay inaan lagu casuumin waxna aanay ka ogayn arintaa, iyadoo dhinaca kalena aanu gudoomiyaha ASAD wax waydiinay mawqifka ururkiisa ee waqtigan xaadirka ah, sida ay u arkaan arimaha doorashada iyo arimo kale oo siyaasadeed.

 

Waxyaalihii ay ururada sideedda ahi ku heshiiyeen waxa ka mid ahaa inay wadanka doorasho ka dhacdo, inay xisbiyada siyaasaddu u sinaadaan warbaahinta dawladdu gacanta ku hayso iyo inaan urur gaar ah sed-bursiinyo loo siin hantida Qaranka, sidaa darteed gudoomiyaha ASAD, mar la waydiiyey sida uu ururkiisu u arko arimahaa waxa uu yidhi “ dee dalka inay doorasho ka dhacdo waanu qabnaa, laakiin waa in la abuuro ama la diyaariyo xaaladii doorasho lagu geli lahaa, waayo doorashadu shuruudo ayey leedahay, shuruudahaasina marka ay fulaan waanu ka qayb gelaynaa. Ta kale mar hadii ay dalka ka jiraan ururo siyaasadeed oo tartan doorasho gelayaa waa in loo sinaado war-baahinta Qaranka”.

 

Sideedda urur ee heshiiska isla gaadhay waxay intooda badani ku dacwiyayaan in inta aanay doorashada ka horaysa ugu yaraan la helo tirada cod-bixiyayaasha, laakiin qaar ururadaa ka mid ah ayaan sidaan qabin oo aaminsan inaanay hawshaasi hadda ahayn daruuri, sidaa darteed aanay noqon shardi xaniba doorashada, waxaana ururada sidaa qaba ka mid ah ururka UCID, taas oo uu gudoomiyahooda, Faysal cali-waraabe madashii ay ururadu heshiiska 12-ka qoddob ah ku saxeexeen kaga dhawaaqay inuu ururkiisu arinta tiro koobka kaga duwan yahay ururada kale. Sidaa darteed gudoomiyaha ASAD oo la waydiiyey sida ururkiisu u arko arinta tira koobka waxa uu ku jawaabay “ Dadka codka bixinayaa ee xaqa u leh cod-bixinta waa inay tiro kooban yihiin, waayo waxa dalka jooga dad badan oo ajnebi ah oo aan xaq u lahayn inay codeeyaan, laakiin saamayn ku yeellan kara natiijada doorashada, sidaa darteed guud ahaan dadka codka bixinayaa waa in la yaqaan oo ay tiro kooban yihiin si aanay hadhow u dhicin in Cidii doontaa ay wax korodhasato”.

 

Saleebaan-gaal waxa kale oo la waydiiyey inta ay le’ek tahay kalsoonida ay ku qabaan guddiga doorashooyinka, wuxuuna yidhi “ guddiga doorashooyinku had-ba sida ay hawsha u qabato ayey kalsoonidu ku xidhnaan doontaa, markaa waxa ay la yimaadaan ayaanu ama ku diidi ama ku qanci”.

 

Marka la eego bilowgii ay ururada siyaasaddu ka abuurmeen Somaliland oo ahayd dabayaaqadii kal hore ururka ASAD wuu diiday inuu is-diiwaan-geliyo, waxayna is-taageen mawqif fog ah, taas oo ay si adag ugu dacwiyeen inay aaminsan yihiin inaanay dalka ka dhacayn doorasho xor ah oo xalaal ahi, sidaa darteed ay aaminsan yihiin in la qabto shirweyne qaran, laakiin way ka soo debcaan mawqifkoodii ahaa qaadacaadda is-diiwaan gelinta, taas oo ay dhowr bilood ka hor is-diiwaan geliyeen, laakiin gudoomiyaha ASAD mar la waydiiyey inay hadda doorasho u yihiin waxa uu yidhi “ Sidii aan horeba u sheegay doorashadu waxay leedahay shuruudo u baahan in la fuliyo si ay u dhici karto, waxaana shuruudahaa ka mid ah, diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, in dalka maamulka la wada gaadhsiiyo oo aynu xuduudaheenna wada xukumi karno, nabadgelyada la sugi karo,  marka aynu u garsoori karno laba qof oo mansab u tartamaya iyo waxyaalaha kale ee ay doorashadu u baahan tahay marka la fuliyo oo ay xaaladda doorashadu diyaar-garowdo, dee anagu ASAD ahaan waanu ka qayb gelaynaa doorashada, laakiin hadii la diyaarin waayana wixii ay ummaddu kaga taliso ayuun baanu ka mid noqonaynaa, balse hadii doorashada la diyaarin waayo sida kale ee la yeelayaa waa inaanay noqon wax ay cid qudhi iska goosato ama golayaal ha noqoto ama xukuumadda ha noqotee, ee waa inay noqdaan wada tashi iyo wax ay ummaddu u dhan tahay”.

 

Ururka ASAD marar badan waxa ay dawladdu ku tilmaantay urur fad-qalalo doon ah oo had iyo goor hortaagan inay dawladdu wax qabato ama ka horyimaadda dhaqdhaqaaqyada wax qabad ee dawladda, sidaa darteed gudoomiyahooda, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa la waydiiyey inay la shaqaynayaan ama ka qayb qaadanayaan dhaqdhaqaaqyada wax qabad ee dalka ka socda dhinaca siyaasadda iyo dhinacyada kaleba , wuxuuna yidhi “ ururka ASAD wax kasta oo dalka lagu hagaajinayo ama wax lagu saxayo wuu ka qayb gelayaa, diyaarna wuu u yahay inuu gacan ka siiyo waxkasta oo wanaagsan oo ay qabanayso had-ba xukuumadda markaa talada haysaa, hawlaha muhimka ah ee dalka laga qabanyona waxaanu anagu u aragnaa inaanay xukuumadda oo qudhi ku filayn ama cid keliyi ku filayn ee ay u baahan yihiin in wada jir looga wada hawl galo, hadii ay tahay hawl weyn oo la qabanayo iyo hadii ay tahay wax qaldan oo la saxayo, waxaana u soo jeedinayaa shacbiga Reer-Somaliland in la ilaashado nabadgelyada, iyada ayaa wax walba ugu muhiimsane, ta labaad, dadweynaha waxaan leeyahay xuquuqdiina ilaashada oo dawlad-na ha ku sii daynina, cid kalena ha ku sii daynina, dawladduna waa idinka dadweynow, waxa kale ama xukuumad ha ahaado ama Madaxweyne ha ahaado ama ururo ha ahaadeene, gedigood waa adeegayaal”.

 

Ururka ASAD waxa uu kulan la yeeshay Madaxweyne Daahir Rayaale, muddo ka dib markii uu kursiga ku fadhiistay, sidaa awgeed waxaanu gudoomiyaha ASAD waydiinay waxyaalaha ay ka wada hadleen, wuxuuna ku jawaabay “ Waxaanu ka wada hadalay duruufaha iyo xaaladaha dalka ka jira, anaguna ASAD ahaan waanu tilmaanay wixii aanu u aragno inay qaloocan yihiin ee sixitaan u baahan, waxyaalihii aanu ku talinayna waxa ka mid ahaa in wada tashi iyo wada jir ha lagu saxo, taana markii islama aanu diidin”, laakiin haddana waxa aanu gudoomiyaha ASAD waydiinay inay jiraan waxyaalo ay Madaxweyne Rayaale ku heshiiyeen, Wuxuuna yidhi “  Ma jiro qoddobo gaar ah oo aan idin odhanayo qoddobka caynkaas ah iyo qoddobka caynkaas ah ayaanu ku heshiinay, laakiin guud ahaan wixii  dalka ka qaloocnaa in la saxo, lagana wada tashado waa ku heshiinay”.

 

Waxa kale oo Saleebaan la waydiiyey sida uu ururkiisu u arko hogaanka cusub ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuuna ku jawaabay “ dee horta waydinkaa sheegay oo waa cusub yahay, markaa waanu ka dhursugaynaa”.      

 

Marka la eego mudada kooban ee u hadhay dawladda talada haysa iyo baaxadda hawsha doorashada waxay dadku inta badan iswaydiiyaan sida wax looga gaadhsiin karo, sidoo kalena waxay haddana isa sii waydiiyaan hadii inta mudada ka hadhay doorashadu qabsoomi waydo, isla markaana uu waqtiga dawladdu dhamaado, maxaa la yeeli doonaa, iyadoo ay dodo badani is barbar yaaliin, taas oo ay dadka qaar is waydiinayaan xalku ma muddo kordhin buu noqonayaa, mise meel kale ayaa looga wareegayaa, laakiin gudoomiyaha ASAD, mar la waydiiyey sida uu ururkiisu u arko in looga wareegi karo hadii ay doorasho qabsoomi waydo, waxa uu yidhi “ horta anagu waa tii aanu hore u talinay ee aanu nidhi waa in qaranku isugu yimaado madal uu kaga tashado aayihiisa, anagu taa ayaanu soo jeedinay, laakiin bir kuma aanu goyn ee ninkii wax kale hayaa waa ahlan wasahlan, xalkuna wuxuu noqonayaa wixii ay ummaddu, iyadoo isu dhan ku tashato”.

 

Midowga Cusub Ee

Afrika Iyo Qaddiyada Somaliland

“Koonfur Afrika waxay u jihaysantay Maqalka Qadiyadda Somaliland, haddii kale waxa fursad u helaya kursiga kooxda Muqdisho ee Masar Wadato” Bissomess Day Journal

 

 

Qaarada Afrika waxaa aad saamayn weyn ugu yeelatay fikirka hirgelinta ururka Midowga Afrika (AU) iyo dan-wadaagta horumarinta Afrika (NEPAD).

Hawlgalkan Midowga cusub ee dawladaha Afrika ee AU waxaa jira rajo badan oo ah in ururkan cusub iyo hay’adahan kale ee horumarinta ee lala aas-aasay ay wax ka qaban karaan ama ay xal u heli karaan mushkiladihii ka dhex jiray dawladaha Afrika qaarkood, oo uu ku fashilmay ururkii hore ee (OAU) inuu wax ka qabto sida dhibaatooyinka ka aloosan Somaliya, Zimbabwe iyo Madagascar.

 

Marka la soo qaato qadiyadda wadanka Madagascar oo ah jasiirad ka go’an Afrika oo ay madaxda Midowga Afrika ee AU ay go’aamiyeen inaanay aqoonsanayn maamulka iyo hoggaaminta Madagascar oo isbeddelkeedu aanu ku iman qaab distooriya oo sharci waafaqsan.

 

Marc Ravolamanana oo hoggaaminayay mucaaradka Madagascar ee ka soo horjeeday dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Didier Ratsiraka, ayaa madaxweynimada Madagascar ku guulaysatay doorashooyinkii madaxtinimada Madagascar ee dhacay bishii December ee sannadkii hore.

Hadda waxaa ku negaaday jagadii madaxweynenimada Madagascar Marc Ravolamanana oo haysta taageero caalami ah, ugu horrayn Maraynkanka, Faransiiska iyo dalal kale oo aan Afrikaan ahayn ayaa aqoonsaday Mr. Ravolamanana maamulkiisa, Khamiistii dhoweyd ee toddobaadkii tegay waxaa iyana aqoonsatay Senegal.

 

Arrin aan si habboon in loo maamulay aan u muuqan ayaa iyana jirta oo ah Somaliya oo bilaa dawlad ah, waxaa la doonayay kursiga AU ee Somaliya shirkii ururkaa inay ku fadhiistaan dawladda muqdisho oo u muuqata qayru-macquul in la aqoonsado marka la barbardhigo Somaliland.

Somaliland waxay ku sugan tahay jiritaan dhab ah, inkasta oo aanay helin aqoonsi diblomaasiyadeed oo dawladnimo. Arrintan aqoonsiga lala doonayo dawladda Muqdisho waxay ka soo jeedaa siyaasadaha dawladaha waqooyi bari ee Afrika ee siyaasada biyaha webiga Niil ee ay Masar isticmaasho.

Arrintani waa meel uu ururkii hore ee OAU uu ka baaqsaday inuu ka wada hadlo in si caddaalada waafaqsan go’aano looga gaadho qaddiyadaha khuseeya dalalka Afrika.

 

Burburkii dawladdii dhexe ee Somaliya iyo fashilaadii ku dhacday dawladda Djibouti isku-daygeedii ahaa in ay samayso dawlad dhexe oo ka hana-qaada Muqdisho waa arrimo ugu dambaynta taageeraya Somaliland gooni isu-taageeda iyo maamulka Puntland, waxaanay saamayn ku yeelan doontaa siyaasadda ururka Midowga Afrika (AU) oo aqoonsiga ka samayn doona is-faham ka yimaada Somalida dhexdooda.

 

Marka arrintan laga raaco xaqiiqooyinka muuqda, waxa jira calaamado muujinaya in koonfurta Afrika oo ah guddoonka ururka Midowga Afrika ee AU in ay u jahaysan tahay maqaalka qaddiyada aqoonsiga somliland. Haddii kale waxaa fursad u helaysa ku fadhiisiga kursiga AU, kooxda Muqdisho ee ay Masar taageerto.

 

Waxaanay taasi ku biiraysaa oo ay dhinacgelaysaa Zimbabwe oo hore Midowga Afrika u siiyay kursigeedii, taas oo ururkan cusub ay dibedda ka joogayaan Somaliland oo ay xulufo yihiin Itoobiya iyo Madagascar oo loo diiday maamulkan cusub in loo oggolaado in ay ku fadhiistaan kursigii Madagascar ee ururka AU.

 

Waxaa rajo laga qabaa in hoggaaminta Koonfur Afrika ee Midowga Afrika (AU) oo taageersanaysa shuruuucda (NEPAD), in ay u hoggaamiso isbeddel dhaqan maamulka dawladnimo ee Afrika.

 

Ka qaybgal ballaadhan oo ay bulshada Afrika kaga qaybgelayso baadigoob xal loogu raadinayo khilaafyada ka jira meelo badan oo Afrika ah ayaa u muuqda in uu taageero weyn u siinayo hannaankan cusub ee Midowga Afrika iyo dan-wadaagta horumarinta Afrika (NEPAD).

 

Wasiirka Ciyaaraha Oo Ka Hadlay Khilaaf

Ka Dhashay Garsoorayaal Xamar Ka Yimi Oo Dhexdhexaadinaya Tartanka Gobollada Somaliland

Harg (Haatuf):- Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Faarax Maxamuud (Jaah-weyn), ayaa markii u horaysay sharaxaad ka bixiyay muran la sheegay inuu soo dhexgalay qaybo ka mid ah shaqaalaha iyo maamulka sare ee wasaaradda, kaas oo ka dhashay sagaal garsoore oo reer koonfur ah oo wasiirku caddeeyay inay dhexdhexaadinayaan tartanka ciyaaraha gobollada oo la filayo inay Hargeysa 1-da bisha August ee soo socota ka dhacaan.

 

Xubno badan oo ka mid ah shaqaalaha garsoorka iyo maamulka kooxaha ciyaaraha kala duwan ayaa diidmo ka muujiyay garsoorayaasha shisheeyaha ah ee wasaaradu dalka keentay, waxayna tilmaameen inaanay Somaliland ka jirin baahi dhinaca garsoorka ahi.

 

Hase yeeshee, wasiirka Ciyaaraha Md. Jaah-weyn oo shalay waraysi khaas ah siiyay wargeyska Haatuf, ayaa sheegay inaan Somaliland laga helayn dad leh aqoon garsoornimo oo heer caalami ah, sidaa darteedna ay ka fursan weyday in ay garsoorayaal weydiistaan wadamada jaarka ah, sida Somaliya iyo Itoobiya. “In badan baanu ugu baaqnay inay halkan (Wasaaradda) yimaadaan cid kasta oo wax ka taqaan ciyaaraha, sida garsoorka iyo qaybaha kaleba. Laakiin maanu helin, noomana muuqan,” ayuu yidhi Wasiirku.

Mr. Jaah-weyn waxa kale oo uu yidhi; “Waxay ka fursan weyday inaanu codsiyo u diranay meelo badan oo ay ka mid yihiin; Itoobiya iyo Xamar (Somaliya).

 

Wasiirku Md. Jaah-weyn wuxuu qiray inay jiraan dad badan oo ka hadlay garsoorayaasha la keenay, isla markaana diidmo ka muujiyay tallaabada wasaaraddu qaadatay. Hase yeeshee, wuxuu difaaacay go’aanka ay qaateen oo uu mid sax ah ku tilmaamay. Wuxuuna yidhi; “Waxaanu ku nidhi mar haddii aanu helayno wixii qalab ciyaareed ee lixda gobol u baahan yihiin sida; kubadaha, diraysyada iyo kabaha, diyaar baanu idiin nahay. Sidii bayna ku yimaaadeen.”

 

Wasiirka oo dareen cadho leh ka muujiyay diidmada lagala hortegay garsoorayaasha Somalida ah ee ay wasaaraddisu keentay wuxuu diidmadaa ku tilmaamay mid aan loo baahnayn, maadaama buu yidhi aanay ciyaaruhu siyaasadda ku lug lahayn. “Waxaan rajaynayaa in aan samaha milix lagu darin oo aan dha-dhanka laga qaadin,” ayuu ku daray wasiirku.

Inkasta oo wasiirku tilmaamay baahi garsoor inay dalka ka jirto, haddana wuxuu caddeeyay in dhammaan gobolada dalka ay ka hirgelayaan kooxo ciyaartoy ah oo isku dhafan, si fiicana loo soo xulay, iyo inay abuureen guddida Olympic-ga Somaliland iyo dhammaan xidhiidhadii ciyaaraha kala duwan.

 

Shirkaa jaraa’id kadib, waxay weriyeyaashu su’aalo ka weydiiyeen dhinacyo kala duwan oo la xidhiidha muranka ka dhashay garsoorayaasha, tartanka ciyaaraha gobolada iyo siday wasaarad ahaan ugu diyaar-garoobeen. Jawaabihii wasiirku bixiyayna waxay u dhaceen sidan:

S: Waxaa la rumaysan yahay inaanay Somaliland ka jirin garsoor la’aani, adigu ma sidaas baad rumaysan tahay mise waxa jira ujeedooyin kale oo aad idinku ka leedihiin?

J: Waxaan qabaa inaanay jirin garsoorayaal ku filan oo garan kara halka ay ciyaaraha caalamku maanta marayaan. Ta labaad haddaanu helnay wax baahiyaha qaarkood naga daboola, waxbana aan na daba wadin, iyada lafteedana waanu ku qaadanay. Haddii aanay jirin si xun u sheeg sixir ka daran.

S: Marka laga tago garsoorayaasha, ma jiraan dhaqaale kale oo aad Somaliya ka hesheen?

J: Horta ma jiraan, haddaanay ahayn sheekada suuqa Hargeysa, waxa keliya ee aanu hadda u baahanahayna waa wax naga haga baahida garsoorka. Marka lala xisaabtamayo waqtigeeda hala gaadho, laakiin ma jiraan waxay gaar noogu caawiyaan.

S: Waxa jiray tartamo hore oo wasaaraddu qabatay oo ay dhexdhexaadinayeen garsoorayaal reer Somaliland ahi, miyaa la waayay kuwaa mise waan loo baahnayn?

J: Dad yidhaahda waxan waan diiday way jiraan, laakiin labadii sannadood ee garoonkaasi furnaa waa la arki lahaa garsooraha Somalilander-ka daacadda ah ee jecel horumarka ciyaaraha dalkiisa.

S: Waxaa jirta gabadh fanaanad ah oo dalka joogta dhallinyarada iyo ciyaaraha wax ka qabta, markaa adigu wax xidhiidh ah ma la yeelatay?

J: Maya, hadday gabadh si gaar ah arrintaa ugu socota tahay, laakiin fikradaan ka aaminsahay hay’adaha Hargeysa jooga waxaa weeye inaanay ku bixin lacagta meelaha ay magacyadooda ku so qaataan, waxaana kaaga filan wiil karaani ah ama gabadh jaariyad ah oo ay ka soo qaadeen Afrikada dhexe, hantida ay magaca dalkan ku soo helaan ee horumarka wadanka la gelin lahaana waxay ku daboolaan gabadhaa gurigooda u gogosha. Sidaa darteed, ma jiraan wax caawimo ah oo wasaaradu hay’adaha ka heshay.

S: Wasiir, waxa jiray waraysi u C/qaasim dhowaan bixiyay oo uu ku sheegay in maamulkiisu weftiyo ciyaaraha Somaliland u diray, markaa miyaan la odhan karin tallaabadani waa mid siyaasad ku lug leh?

J: Maya, anagu Carta aqoonsi cid ugumaanu yeedhan, khudbada uu akhriyayna kuma aqoonsanayo C/qaasim, waayo dalka iyo dunida oo dhanba cidi kama aqoonsana.

S: Maxay qabanayaan garsoorayaasha aad dalbatay?

J: waa 9 qof oo kala ah saddex kubadda cagta ah, saddex kubadaha gacanta ah iyo saddex ciyaaaraha fudud ah.

S: waxaad sheegtay inaad dawladda Itoobiya ka codsateen kaalmo dhinaca garsoorka ah, arrintaa maxaa idiinka qabsoomay?

J: waxaanu warqad ka helnay wasaaradda ciyaaraha Itoobiya, waxayna noo ballan-qaadeen inay 10 qof oo garsoorayaal ah noo tabobaraan muddo lix bilood ah, waxaanuna ku rajo weynahay inay tallaabadaasi dhowaan fuli doonto.

S: waxaad ogtahay in hawshaasi kharash badan u baahan tahay, ilaa maxaad u diyaariseen fulinta tartanka?

J: shan gobol baanu martigelinaynaa, saddex ka mid ah kharashka ku baxaya waxaa no ballan-qaaday tijaar reer Hargeysa ah. Wixii kale dawlada ayaanu kula cararaynaa ama tijaar kale oo jecel inay ciyaaraha maal-gashadaan.

S: haddii dhaqaalihiinu sidaa yahay, yaa idinka bixinaya kharashka garsoorayaasha aad keenteen?

J: wax kharash ah nagama rabaan oo way na caawinayaan.

S: waxaa la filayaa in dhowaan la qabto tartanka madaxtinimada ee guddoomiyenimada kubada cagta Afrika, jagadaana waxaa dadka ku tartamaya ka mid ah Faarax Cadow, markaa miyaan la odhan karin garsoorayaashan bilaashka ku shaqaynayaa waa qaar uu dunida ugu muujinayo inuu Somaliland isagu xukumo?

J: walaahi su’aashaadu waxay ku wanaagsanayd inaad tii Carta kaga hadho, haddiise aad ka maarmi weyday anagu taa war uma hayno.

 

Ergay Jaamacadda Carabta Ka Socda Oo

Dhowaan Booqan Doonna Somaliland Iyo Somalia

 

Nairobi (W/Wararka) – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta u qaabilsan Soomaaliya Saalami Al-Khasiibi ayaa ku gudo-jria booqasho uu ku marayo dalalka xubnaha ka ah ururka, iyada oo lagu wado inuu horraanta bisha soo socota booqashadiisii ugu horaysay ku maro somaliland iyo Somaliya.

 

Ergayga Jaamacadda Carabta oo ujeedada booqashadiisu la xidhiidho diyaar-garawga loogu jiro qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Somaliya oo la qorsheeyay inuu Nayroobi ka furmo 2-da bisha September ee soo socota.

Waxa uu hore u soo booqday dalalka Djibouti, Suudaan, Itoobiya iyo Kiiniya oo uu mar labaadkii toddobaadkan booqday, si uu xog-ogaal ugu noqdo halka ay marayaan hawlaha qaban-qaabada shirka Nayroobi.

Toddobaadkan ayaanay  shirka isugu yimaadeen guddiga farsamo ee ururka IGAD u xil-saartay qaban-qaabada shirka, kuwaas oo soo saaray qorshahooda ugu dambeeya ee hawlaha shirka, kaas oo ay hordhigi donaan wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka IGAD oo shir isugu imanaya horraanta bisha August ee soo socota.

 

Ergayga Jaamacadda Carabtu, waxaa kale oo uu booqanayaa dalka Talyaaniga inta aanu bilaabin booqashada uu ku imanayo Somaliya horraanta bisha August ee fooda inagu soo haysa, isaga oo Talyaanigu kaalin muhiim ah kaga jiro arrimaha Somaliya. Taas oo uu uga dan leeyahay xog-ogaal u noqoshada mawqifka dalalka ku hawlan shirka Nayroobi.

Saalim Al-Khasiibi oo dhowaan loo magacaabay ergayga Jaamacada Carabta u qaabilsan Somaliya, waxaa la filayaa inuu xoojiyo kaalinta Jaamacada Carabta ee arrimaha Somaliya.

 

Qaramada Midoobay Oo Magacawday Guddi La Socota Xayiraadda Hubka Ee Soomaaliya

 

New York (W. Wararka): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa go’aan ku gaadhay magacaabista guddi khuburo ah oo la socota xayiraada dhinaca hubka ee ay ku soo rogtay Soomaaliya kuwaasoo uu fadhigoodu noqondoono caasimada Kiiniya ee Nairobi.

 

Go’aankan oo ay Golaha amaanku gaadheen dabayaaqadii todobaadkii hore mar ay kulan ka yeesheen arrinta xayiraada dhinaca hubka ee Soomaaliya waxa ay u xilsaareen Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Kofi Anan inuu bil gudaheed ku magacaabo guddigan oo ka koobnaan doona saddex xubnood xilkana haynaya muddo 6 bilood ah waxa ay hawshoodu noqonaysaa inay warbixin ka diyaariyaan meel ka dhacyada loo gaysto xayiraada dhinaca hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya.

 

Sida uu sheegay safiirka Ingiriiska u fadhiya Golaha amaanka oo haatana ah Gudoomiyaha Golaha amaanku  guddigan waxa ay u dhigantaa gudigii sameeyay dalalka Angola, Siraaliyoon, iyo Laybeeriya waxaanay la socon doonaan xayiraada dhinaca hubka iyaga oo la socon doona inaan wax hub ah laga soo gelin Soomaaliya dhinaca dhulka, cirka, iyo baddahaba inay hay’adaha ay khusayso la socodsiiyaan wixii meel ka dhac ah ee arrintaa loo gaysto.

 

Warbixin ay qaramada midoobay soo saartay dhawaan ayay ku eedaysay dalalka Maraykanka, Itoobiya, Iiraan, Poland, iyo Eretariya inay meel kaga dhaceen xayiraada hubka iyagoo Soomaaliya geeyay hub ay ku dagaalamaan kooxaha iska soo horjeeda.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Murugga & Mushkilada Dhulka Ka Taagan

Qareen ahaan aniga oo Qoraalkayga saldhig uga dhigaya Tawxiidka Eebbe iyo Rasuulkiisa N.N.K.H ee Calanka Dalkeena dhexda kaga qoran in ay xaaraan tahay in hoostiisa Dulmi lagu Falo, islamarkaana raacaya asbaabta ku xusan Qodobka 32aad iyo 34aad ee Dastuurka Dalka J.S.L., waxaa lagama maarmaan igu noqotay inaan Ra’yigayga ka dhiibto Murugga iyo Mashaakilaadka ka taagan dhulka, oo maanta halis ku haya nabadgelyada iyo xasiloonaanta bulshaweynta reer Somaliland, oo qareen ahaan aan qabo in uu ku yimid ku dhaqan la’aan sharcigii ay ummaddu dhigatay, sababahan awgood:

 

Ummadda reer Somaliland markii ay ogaatay (in uu xeerku yahay nolosha noolaha Eebbe ku abuuray adduunka, oo haddii uusan xeer jirin aanay suurtagal ahayn in uu nooluhu helo xuquuqaha kala duwan ee ay sharciga hortiisa ku leeyihiin, waxay ummadu isku-duubnaan ay weheliso Daacadnimo u samaystay dastuur ay ummaddu u siman tahay, kaas oo ay ummadu u yaqiinsatay in lagu gaadhi karo degenaasho iyo xasilooni waarta waafaqsana dhaqan maamuleedka dalka iyo caqiiqadada ummadda.

Sida waafaqsan qodobka 8aad ee dastuurka xubintiisa 1aad, 2aad, iyo 3aad, waxa si fiican loogu qeexay sidan, (every individual shall be equal before the law). (every individual shall be entitled to equal projection of the law).

 

Qareen ahaan waxaan leeyahay  haddii aynu ummad ahaan yaqiinsanay in xeerkii aynu dhiganay  lagu gaadhi karo degenaasho iyo xasilooni waarta miyaanay haboonayn in aynu isweydiino sababta keentay murugga iyo mashaakilaadka ka taagan dhulka ee ay maanta qudho fara-badan innagaga baxeen.

 

Isweydiinta 2aad waxay tahay, ma jirtaa mas’uuliyad xilkan lagal xisaatamamayaa, qareen ahaan waxaan leeyahay waa jirtaa mas’uuliyad maanta lagala xisaabtamo murugga iyo mashaakilaadka dhulka ka taagan.

Haddii uu xeer yahay:

The rules by which people are governed.

Every individual shall equal before the law

Shall be entitled to equal protection of the law

Sida waafaqsan Qod: 25aad ee Dastuurka dalka jamhuuriyadda Somaliland, haddii Qaranka jamhuuriyada Somaliland damaanad qaaday ilaalinta hantida xalaasha ah ee muwaadiniintu ku heleen amase ku haystaan sifo uu sharcigu jideeyay iyo hantida xalaasha ah ee ay leeyihiin dadyawga dalka ku jooga sifo sharcigu jideeyay islamarkaan uu qaranku damaanadaas u sameeyay xeer iyo xakamo adag oo lagu ilaaliyo hantidaas Maxaa sababay in uu ninka reer daaru-nadwa ee la magac baxay ku (qabso ku qadi mayside) oo ah (qadaar gurey) in uu nin muwaadin ah si sharci daro ah ugu qabsado Jago dhul ah oo xalaal oo uu muwaadinku ku helay sifo uu sharcigu jideeyay? Asagoo qadar gurey waliba hantida xalaasha ah ee ninkaas u adeegsanaaya Dukumenti Been Abuur ah sida waafaqsan Qod: 367, 368, iyo 369, ee X.C. Guud.

Diintu maxay ka Qabtaa Ku-Xadgudubka Dhulka:

Caa’isha Naxariisi korkeeda ha ahaatee waxay Rasuulkii NNKH ka soo warisay mar uu ku-xadgudubka dhulka ka hadlayay sidan:

Qofkii xaq darro taako in leeg oo dhul ah ku qaata (He who unjustly takes land measuring, but a hand span will have sevenfold the measure of that land hanged around his Neck.)

Sharciga dalku muxuu ka qabaa ku xadgudubka dhulka

Eeg Qod: 487 (trespass) whoever for the purpose of appropriating wholly or in part the immoveable property of another removes or alters the boundaries thereof shall be punished imprisonment up to three years and with fine.

Qaanuun ahaan haddii si sharci darro qofka ah ugu durka ah taako dhul ah amase u samaysta dukumenti been abuur ah aynu ka dhiganay xeer ciqaabeed lagu abaal mariyo sida waafaqsan

Qareen ahaan waxaan qabaa (ku dhaqanka sharcigu waa nolol fahamka sharciga in lagu gaadhi karo caddaalad iyo sinaan taam ah)

Hadaba haddii xeerku yahay (law is superior than any body)

(The rules by which people are governed)

(As the aim of the law is to guide man)

(Law can discover sin, but not remove)

(The law will always furnish remedy)

(The law does not consist in particular instanges)

(though it is explained by particular instanges)

(rules, But the law consist of principles which govern)

(specific and individual cases as they happened to arise)

Haddaba waa isweydiin mudan haddii ninkii taako dhul ah si sharci darro ah ugu durka uu xeerkeena ciqaab kulul siinayo haddii ninkii taako dhul ah si sharci darro ah ugu samaysta dukumenti been abuur ah uu xeerkeenu siinaayo ciqaabo kulul haddii ninkii shaqaale dawladeed ahaa amase ahaa mas’uul ummadeed lagu aaminay uu qof dan gaar ah wata u sameeyo dukumenti been abuur ah asaga oo ka faa’iidaysanaya xilkii ummadda ee lagu aaminay uu xeerkeenu siinaayo ciqaab xadhig sida waafaqsan qodobada kor ku xusan Maxaa sababay in ninka reer daaru-nadwa ee la magac-baxay Kuqabso ku qadi mayside oo ah qadaar gurey in sharciga la horkeeni waayo?

Anigu waxaan qabaa in Qadaar Gurey  sharciga laga qabto waxaa suurto galin waayey Saddex arimood oo kala ah sidan:

1.       Waajib gudasho la’aan sharci oo ka timid dhinaca bulshada

2.       Mas’uuliyad ka maagtay in ay qaado eed qaran

3.       Dacwadihii dhulka ee ciqaabta ahaa marin habaw ku dhacay oo maxkamadaha ugu gudbay iyaga oo madani ah halkii iyaga oo ciqaab ah ay ugu gudbi lahayeen asbaabtaa awgeed ayaan qabaa in uu murugga iyo mashaakilaadka dhulku salka ku hayo

Tusaale ahaan, haddii 4000 ee qof ee midba midka kale ku haysto dhul ee ku sugan Burco/Hargeysa laga soo ururiyo dukumentiga ay dhinacyadu u haystaan dhulka ay isku haystaan kadibna baadhis dhab ah lagu sameeyo dukumentiga ay dhinacyadu isu-haystaan waxaa hubaal ah in ay inka badan 2500 oo qof oo dukumentigoodu uusan sax ahayn laga helayo kuwaas oo haddii sharciga la horkeeno gelaaya ciqaabaha lagu xusay qodobada kor ku xusan.

Sharciga ayaa iska leh hagista iyo hogaaminta caddaaladda lagu gaadhi karo oo haddii lagu dhaqmo sharciga waxaa hubaal ah in uu qof waliba helaayo abaalmarinta Xumo/Samo uu sharciga hostiisa ku leeyahay

Garyaqaan Xasan Cissmaan Aw Cali (Xasan Xariif), Berbera

 

Dawladdu Hanagala Wareegto Gaadiidka

Anaga oo ah ururka Gaadiidleyda bariga Afrika ee Tawfiiq waxaanu jecelnahay inaanu si faahfaahsan halkan idiinku soo gudbino dhibaatada faraha badan ee haysata gaadiidleyda JSL taasi oo ah sidan hoos ku qoran.

1.       Cashuurta laga qaado gaadiidka oo wakhti walba nagu soo noq-noqonaysa iyada oo lixdii biloodba mar la kordhinaayo sidaas oo ay tahay dawladda JSL wax wara ah uma hayso dhibaatada haysata gaadiidka JSL.

2.       Dadkii aanu u shaqayn jirnay ee tujaarta ahaa oo nin waliba isagu afar gaadhi keensaday kuwaas oo uu ku guro badeecadii aanu ka shaqayn lahayn haday tahay daabul iyo haddii kaleba ma hayno sharci noo kala jiheeya taasna caanaanteeda waxaanu dusha ka saaraynaa dawladda JSL.

3.       Shidaalka aanu ku dhaq dhaqaaqno oo aan isagu lahayn sixir fadhiya oo aan loo adkaysan karayn.

4.       Spare parts ka gaadiidka oo qaali ah taasi oo ku kaliftay gaadiidka inay iibsan kari waayaan bool iyo taayirba.

5.       Anaga oo kor idiinku soo sheegnay dhibaatada intaas leeg ee haysata gaadiidleyda haddana waxaanu jecel nahay inaanu hoos idiinku cadayno dadka ka tirsan gaadiidka JSL ee rayidka ah kuwaas oo tiro ahaan lagu qiyaaso 11,000 baabuur oo ay ka shaqeeyaan midkiiba 11,000+3qof=33,000 qof. Tiradaas kor ku xusan waxaa kusii tirsan 6 qof oo xamaal ama shaxaad ka hela 33,000 qof ee sida tooska ah ugu xidhnaa gaadiidka. Haddaba dadka intaa leeg ayaa ku tirsan gaadiidka xamuulka qaada, iyada oo aan la ogayn hawsha intaas leeg ee ay u hayaan ummadda iyada oo aanay cidina ogayn dhibaatada haysata dhegna aan loo jalaq siineyn.

Waxaanu ku soo koobaynaa maqaalkan ninkii ladnaaba ha luuf-luufee dawladdu hanagala wareegto gaadiidka oo haku dhigto nambarka gaadiidka dawladda (GT).

Waxaanu kusoo gunaanadaynaa. “Xarbigeediyo, Xanuunkeedaba, Anuun baw xidhan, hadduu xero galo, xumay Naagtiyo, Xamo tuuradu, Iiga Xoogroon”

Xubnaha Guddida Fulinta Gaadiidleyda TOWFIIQ, Berbera

 

 

WAADIGA CIYAARAHA

Hoos U Dhaca Dhaqaalaha

Oo Xiiso Tiray Sayladda Ciyaaraha Yurub

 

Roma (AP) – Werwerka dhaqaale ee hadda taagan ayaa dunida ku abuuray mushkilad dhaqaale xumo oo saamaysay suuqyada kubadda cagta iyo dhammaanba dhinacyada kale oo ay arrintaasi curyaamisay.

 

Taageerayaashu waxay sugayaan in ay arkaan malaayiin dollar o xagaagan xarakaadiya, waxayse ku soo ururtay heshiis keliya oo ah; Rio Ferdinand oo heshiis kula galay Man. United 47 milyan. Taasi waxay muujinaysaa in kooxaha kale oo dhami ay yamxeerinayaan shilimadooda.

Kooxaha oo ay ku yaraatay lacagtii, ayaa u leexday dhinaca amaahda iyo ciyaartoyga oo ay isku beddeshaan, si ay wejiyo cusub u helaan.

Waxaa muuqata in kooxihii ugu waaweynaa dunidu danaynayaan hannaanka wax kala beddelashada ah.

 

Barcelona waxay amaah ku heshay Gaizka Mandieta oo ay xilli-ciyaareed keliya ka soo daynsatay, iyada oo Talyaaniga cadaawadaha ah ee Internazionale iyo AC Milan ciyaartoy ku kala beddesheen lacag yaraan darteed, taas oo iyana tusaale u noqon karta.

Arrimahaas dhacay oo dhami waxay keeneen in ugu dambayntii meel xadaysan la gaadho, taas oo xataa ay ku qanceen qaar ka mid ah xiddigaha dunida ugu waaweyni. Xiddigaha Inter Milan, Ronaldo, Vieri iyo Recoba ayaa dhammaan isla qaatay go’aan ah in ay dhimaan mushahaarkooda, iyaga oo u danaynaya kooxdooda.

 

Muddo dheer ayay taagnayd su’aasha ah, intee in le’eg ayay arrintani ciyaartoyga raad ku yeelan kartaa?

Waxayse u muuqataa in mulkiilayaasha kooxaha ay hadda dani u run sheegtay, oo dhaqaale xumaduna ay gaadhay meel aan indhaha laga qarsan karin.

Dhinaca Talyaaniga waxaa ka jirta xaaladdii ugu xumayd ee soo marta. Kooxaha Roma iyo Lazio ayay soo food-saartay mushkilad culus oo dakhliga ah, oo laga yaabo inay ka reebto ka mid noqoshada kooxaha ku tartamaya ciyaaraha heerka koowaad (Serie A).

 

Siddeed kooxood oo ay ka mid yihiin Roma iyo Lazio, ayaa lagu wargeliyay inay muddo toddobaad ah ku soo nidaamiyaan dhaqaalahooda.

Kooxaha dhaqaale darada ugu ba’ani ku habsatayna waxay u badan yihiin kuwa heerka labaad (Serie B), waxayna kala yihiin; Fiorentina, Genoa, Massina, Napoli, Palermo iyo Verona. Waqtiga kama dambaysta ah ee loo qabtayna waa 29 July.

 

Guddida u xil-saaran dhaqaalaha ciyaaraha heerka koowaad (Covisoc), oo hawl qiimayn ah ku soo maray dhammaan kooxaha heerka koowaad iyo labaad ayaa ku wargeliyay xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga (FIGC), in siddeedaa kooxood ay u baahan yihiin kaalmo dhaqaale oo weyn.

Guddoomiyaha horyaalka Talyaaniga Adriano Gilliano, ayaa sheegay inuu ka xun yahay Roma iyo Lazio oo ka baxa tartanka, wuxuuna intaa ku daray inuu ku rajo-weyn yahay inay xal gaadhi doonaan maalmaha soo socda.

Lazio, oo ka mid ah kuwa ugu liita kooxahaa, xalka keliya ee ay leedahay waa iyada oo iibisa mid ka mid ah labada xiddig ee Hernan Crespo ama Alessandro Nesta. Inkasta oo Guddoomiyaha Lazio Sergio Cragnotti go’aansaday inay ciyaaraan tartamada heerka koowaad, haddana wararku waxay sheegayaan in Dino Zoff iyo Alberto Zaccheroni ay lacag badan ku leeyihiin.

 

Roma ayaa ka dhibaato fudud marka loo eego kooxaha kale. Guddoomiyaha kooxda Franco Sensi ayaa isna sheegay inaanu sanadkan cidna kooxda ka iibinayn iyo inuu heli karayo dhaqaale uu ku daboolo baahida haysata.

Sahanka ay Covisoc samaysay wuxuu muujinayaa in kubadda Talyaaniga, gaar ahaan kuwa heerka koowaad ay ka luntay lacag dhan 702 mil;yan oo lacagta Yurub ah ama 447 milyna oo gini xilli-ciyaareedkii 2000-01.

Madrid waxay 120 milyan oo dollar ku iibsatay Luis Figo iyo Zinedine

 

Zidane, laba xili-ciyareed oo isku xiga, ilaa haddana may iibsan ciyaartoy keliya xagaagan. Sidaa darteed, waxaad arkaysaa farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya muddadaa aan aadka u kala fogayn.

Juventus, ku dhowaad 30 milyan ayay ku iibsatay goolhaye sannadkii tegay, balse bilihii tegay marna sayladda ma soo gelin.

 

Van Gaal Iyo Rivaldo

Oo Warbaahinta Isku Weeraray

Madrid (Reuters) – Rivaldo ayaa iska difaacay eedayn kaga timi tabobaraha Barcelona Louis Van Gaal, oo sheegay inaanay jirin wax ballan-qaad ah oo kooxdu kula gashay Rivaldo inuu heshiiskiisa dhammaysto, taasina keentay in kooxda Catalan sii dayso, iyada oo aanu heshiiska Rivaldo dhammaan.

 

Hase yeeshee, xiddiga reer Brazil ayaa isna sheegay in Van Gaal oo ku toosi waayay in Holland oo uu tabobare u ahaa u soo gudbto koobka adduunka ee Japan iyo Korea uu ka xumaaday markii Rivaldo iyo kooxdiisu ku guulaysteen koobka adduunka, taas oo ku macneeyay in Van Gaal ku hinaasay. “Waa makhruuq, waayo waxaan ku guulaystay koobka adduunka, oo isagu awoodi waayay inuu u soo gudbo,” ayuu yidhi Rivaldo oo ka hadlaya halka ay ka dhalatay colaada soo cusboonaatay ee labada nin.

 

Arbacadii hore ayuu tabobaraha reer Holland sheegay inaanay jirin colaad sakhsi ah oo uu Rivaldo u hayo. Hase yeeshee, wuxuu muujiyay in uu jiro muran dhexmaray isaga iyo Rivaldo, kaasina uu keenay in la soo gaabiyo waqtigiisii. Van Gaal wuxuu qiray in Rivaldo ka codsaday in loo kordhiyo muddada fasaxa.

 

“Waan jeclaa Rivaldo markuu ballanqaadka haystay, laakiin markuu I weydiistay fasax badan oo dheeraad ah, isaga oo ka dheregsan inaanu isu diyaarinayno ciyaaro aanu tartanka horyaalada Yurub ugu soo gudbayno, wuxuu muujiyay inaanu Barcelona ka haysan ballan-qaad muhiim ah,” ayuu yidhi tabobaruhu.

 

Hadalka Van Gaal jeediyay waxaa ka muuqatay hadalo u markhaati furaya eedaynta Rivaldo ku weeraray, wuxuuna sheegay inaanu isku si ugu ciyaarin Brazil iyo Barcelona, oo farqi weyni u dhaxeeyo labada goor, wuxuuna yidhi; “markaad eegto Rivaldo oo Brazil u ciyaaraya waxaad arkaysaa inuu yahay mid xamaasad badan oo doonaya inuu kooxdiisa u shaqeeyo. Taasi oo ka duwan markuu Barcelona u ciyaarayo.”

 

Van Gaal, waxa kale oo uu sheegay inuu Rivaldo isbeddelay tan iyo markii uu xiddignimada adduunka iyo ta Yurub-ba ku guulaystay.

Isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waan jeclaa Rivaldo kahor intaan loo doran ciyaartoyga dunida ugu wanaagsan. Intii muddadaa ka dambaysay wax niyad sami ah iima muujin.”

 

Rivaldo ayaa isagu sheegay in Van Gaal necbaa intii aanu ku guulaysan abaal-marinta FIFA, oo xataa aanay u raacin markuu jaa’isadda guddoomayay.

“Van Gaal iiguma hambalyayn guusha aan u soo hooyay kooxdi uu gacanta ku hayay,” ayuu yidhi Rivaldo oo hadda heshii la gaadhay kooxda AC Milan ee Talyaaniga.

 

Tartanka Kooxaha Hargeysa Oo Gebogebo Ku Dhow

Harg (Haatuf):- Koobka kooxaha xaafadaha Hargeysa oo in muddo ah ka socday garoomada Xawaadle iyo 31-ka May ayaa maraya meel gebogebo ku dhow, iyada oo ciyaarihii wareegii koowaad ugu dambeeyay la ciyaaray Khamiistii iyo Jimcihii toddobaadkii tegay.

 

Tartanka koobka kooxaha xaafadaha Hargeysa oo loogu magac-daray koobka abaabulka waxaa soo qaban-qaabiyay ururka (SYSTO).

Kulamadii ugu dambeeyayna waxya u dhaceen sidan:

Al-salaamu 4-1 Future, waxay ka dhacday 31 May

17 May 2-2 DDG, Xawaadle

Gol-jano 9-6 Jiciir Store, xawaadle

Naasha 4-1 Dugsiiye 31 May

Bile Rest 1-0 Dahabshiil, 31 May

Safari 4-1 Asad, xawaadle

 

Taartanka waxaa gool-dhalinta hoggaaminaya Maxamed Xasan oo u safta naadiga Gol-Jano, wuxuuna dhaliyay 7 gool.

Waxaa kaalinta labaad kaga jira gooldhalinta C/salaan C/laahi Aadan oo u safta naadiga Jiciir Store, wuxuuna leeyahay 5 gool.