Haatuf, Cadadki 126, July 30, 2002

Wefti Somaliland Ah Oo Geneva Ugu

Baxaya Xayiraad Ka-Qaadista Dhoofka Xoolaha

 

Harg (Haatuf):- Wefti ka kooban wsiirada Arrimaha Dibadda iyo Xannaanada Xoolaha ee Somaliland Md. Maxamed Siciid (Gees) iyo Md. Saleebaan Yuusuf Koore iyo mas’uul ka socda rugta Ganacsiga Somaliland ayaa u amba-baxaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland, maalmaha soo socda.

Sida uu Haatuf u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Gees, weftigani waxa uu ku baxayaa marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay hay’ad la yidhaahdo SGS, oo qaabilsan sugidda caafimaadka iyo tayada dhammaan cuntooyinka dibadda laga soo dhoofiyo, saldhigeeduna yahay Geneva.

Md. Gees, waxa uu sheegay in hay’addaas oo Swiss ahi ay ka hawlgasho 160 dal oo dunida ah, dalalkaas oo ay ka eegto cuntooyinka dibadda looga keeno, isla markaana ay bixiso shahaadada caafimaad ee cuntooyinka dibada loo dhoofiyo. Dalalka hay’addaas SGS ay ka shaqayso waxa ka mid ah dalka Sucuudi Carabiya, oo ay ka eegto cuntooyinka loo dhoofiyo.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in hay’addaas ay xidhiidh la samaysay dawladda Somaliland, haatana uu iyada ka yimi marti-qaad rasmi ah oo uu xarunteeda Geneva ugu tegayo wefti uu isagu hoggaaminayo.

Wasiirku waxa uu ku tilmaamay hay’addaas mid badeecadda cunto ee ay shahaado siiso aan cidina is hortaagayn, waxaana uu sheegay in SGS ay u muuqato inay u heellan tahay inay hadda eegto xoolaha Somaliland, isla markaana waxa uu rajo weyn ka qabaa in hayaddaas SGS ay xoolaha Somaliland siin doonto shahaadadeeda caafimaad.

Md. Gees, waxa uu sheegay in marka heshiiskaasi dhammaado, hay’adduna ay bixiso caddayntaas aan mar dambe laga werweri doonin in xoolaha Somaliland loo xayiro sababo caafimaad. Isaga oo sheegay in SGS ay dalka ka samayn doonaan shaybaadho iyo xarumo caafimaad oo lagala socdo caafimaadka xoolaha.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa Sep 1999 xayiraad ku soo rogtay xoolaha gobolka Geeska Afrika ee dalkeeda loo dhoofin jiray, iyaga oo uga shakiyay cudurka xummadda Rift Valley Fever, oo ka dilaacay gobollo ka mid ah Sucuudiga. Taas oo ilaa iyo hadda saaran xoolaha Somaliland.

Xoolaha nool waa laf-dhabarta dhaqaale iyo wax-soo-saarka keliya ee ay Somaliland dibadda u dhoofin jirtay. Dawladda Somaliland-na waxa ay dhowaan ku tilmaantay xayiraadaas mid siyaasadeed oo dawladaha Carbeed ugu talogaleen inay ku cadaadiyaan Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Siciid Gees, waxa kale oo uu sheegay in socdaalkooda oo ay bilaabayaan August 5, uu dhinaca kalena ku beegan yanay waqti ay Geneva nasasho u joogaan qaar ka mid ah boqorrada iyo shuyuukhda ka talisa Gacanka Carabta, isla markaana ay weftigiisa qorshaha ugu jirto in ay arrinta xoolaha kala hadlaan intii u suurogasha.

Rajada C/Qaasim

Ee Midnimada Soomaali-Weyn

 

Hargeysa (Haatuf): C/Qaasim Salaad Xasan, Hogaamiyaha Kooxda Carta ayaa muujiyay waxoogaa rajo ah oo uu ka qabo Somaliland, kadib geeridii Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, isla markaana ciyaaraya siyaasad cadaawad dhex dhigi karta Shacbiga caadiga ah ee Somaliland iyo Soomaaliya.

C/qaasim oo ku guulaysan waayay inuu xasilooni iyo Maamul ka dhaliyo qayb ka mid ah Muqdisho, laakiin weli sheegta inuu Madaxweyne ka yahay dawlad Soomaaliyeed, wuxuu rajadaa isku qanciyay isagoo dhinacyo kala duwan ka eegaya suurta-galnimada Gooni-isu-taagga Somaliland.

C/qaasim waraysi uu dhawaan siiyay Shebekadda Somalitalk.com ee Internet-ka, isaga oo joogay Derban ee dalka Koonfur Afrika, markii uu ka socday Shirkii Midowga Afrika oo wax laga weydiiyay arrinta Somaliland, waxa uu cuskaday arrimo ay ka mid yihiin; in Afrika ay Midnimo u guurayso, sidaa darteedna aan meeli uga bannaanayn goosasho. Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Somaliland oo uu sheegay in ay garwaaqsan yihiin in aan Soomaalidu kala maarmin.

C/qaasim waxa uu qiray in Somaliland, iyada oo dawlad ah oo Madaxbannaan ay tagtay Xamar, sidoo kale wuxuu qiray in dhibaato loo geystay, waxana uu sheegay in shirkii Carta ka hor, qorshuhu uu ahaa in reer Somaliland looga tacsiyadeeyo wixii gaadhay.

C/qaasim Salaad, rajada kale ee uu qabaa waxay tahay in haddii dadka reer Somaliland loo tago oo madaxa loo salaaxo ay ku qancayaan.

Mar la weydiiyay C/qaasim inuu xidhiidh la sameeyay Maamulka cusub ee Somaliland, waxa uu sheegay in aanu wax xidhiidha la samayn, laakiin wuxuu rajo ka muujiyay xidhiidhka iyo isu-socodka bulshada caadiga ah oo uu ku tilmaamay, kuwo u go-gol xaadhaya sidii la isugu iman lahaa.

“Haatan, haddii uu isbedel yimid oo qolo cusubi timid, weli wax xidhiidh ah oo gaar ah oo aanu la samaynay ma jirto,” ayuu yidhi C/qaasim. “Waxaase jira xidhiidh Shacbiga dhexmaray oo haddana socda,” ayuu raaciyay.

C/qaasim waxa uu sheegay inuu xidhiidhadaa ka mid ahaa, Odayaal reer Xamar ah oo Hargeysa u yimid in ay ka qayb-galaan Aaskii Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, horraantii bishii May ee sannadkan, iyo weftiyo dhinaca Ciyaaraha ah.

“Markii uu dhintay Cigaal, waxa jiray wefti ka tegay Muqdisho oo odayaal ahaa, markii ay Hargeysa tageenna, si weyn baa loo soo dhaweeyay,” ayuu yidhi, C/qaasim. “Raggii ay la shireen, waxaa laga wada-hadlay in Xamar iyo Koonfur la dejiyo, Soomaalina aanay kala maarmin. Qolyaha Ciyaaruhuna, way tageen,” ayuu ku ladhay.

Markii uu toddobaadkan ku soo noqday Muqdisho, C/qaasim wuxuu sheegay in ciyaarihii Gobollada laga qabanayo dalkii hore loo odhan jiray Soomaaliya. Taasina waxay ku soo beegantay, iyadoo ay Somaliland qaban-qaabinayso Tartanka Ciyaaraha Gobollada, isla markaana ay Hargeysa ku sugan yihiin 10-qof oo ka socda Guddiga Olympic-ga Soomaaliya oo ka yimid Xamar, kuwaas oo lagu tilmaamay in ay Somaliland ka caawinayaan dhinaca garsoorka ee tartanka. Tobankaa xubnood oo shalay laga mustaafuriyay dalka, ayaa la rumaysan yahay in mastaafurintoodu ka dhalatay sawirka Siyaasadeed ee C/qaasim ka bixiyay imaatinkooda Somaliland.

Xukuumada Somaliland Oo Dalka Ka Saartay 10 Qof Oo Soomaaliya U Dhashay

 

Harg (Haatuf):- Xukuumadda Somaliland ayaa shalay dalka ka mustaafurisay 10 qof oo u dhashay Somaliya, kadib markii lagu eedeeyay inay farageliyeen arrimo maamul oo Somaliland u gaar ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland C/laahi Cumar Cige oo soo saaray amarka musaafurinta dadkaa ayaa ku tilmaamay in ay dalka ku soo galeen hab ka leexsan sharciga dalka u yaala, isla markaana aanay jirin baahi Somaliland u qabto hawsha ay u socdeen ee garsoorka ciyaaraha.

“Somaliland uma baahna garsoorayaal Xamar looga keeno, wayna leedahay cid carruurtayada iyo kooxahayaga garsoorayaal u noqota,” sidaa waxa yidhi Wasiirka A. Gudaha.

Subaxnimadii hore ee shalay ayaa madaarka Hargeysa loo duubay 10-kaa qof oo isugu jiray sagaal rag ah iyo qof dumar ah, halkaas oo ay ku sugayeen dayuuraddii u qaaday dhinaca Muqdisho oo ay markii hore ka yimaadeen.

Dadka la musaafuriyay oo isugu jiray madax iyo garsoorayaal ka socda guddida Olympic-kada Somalidii burburtay waxay dalka u yimaadeen dhex-dhexaadinta tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo la filayo in dhawaan ay Hargeysa ka bilaabmaan.

Hase yeeshee, arrinta garsoorayaashu waxay khilaaf ka dhex abuurtay maamulka ciyaaraha iyo madaxda wasaaradda Ciyaaraha oo isku maan-dhaafay sababta loo keenay garsoorayaashaas.

Imaanshaha dadka Somaliya ka yimi ayay dad badani u arkeen mid siyaasadaysan oo ay dabada ka riixayaan rag lid ku ah jiritaanka Somaliland.

Madaxweynaha maamulkii Carta lagu soo dhisay C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegtay in garsoorayaashu maamulkiisa ka socdaan, ujeedadooduna tahay in ay dhex-dhexaadiyaan ciyaaraha gobollada Somalia.

Maamulka Cusub Ee

Kastamka Berbera Oo Xilkii La Wareegay

 

Berbera (Haatuf): Maamulaha cusub ee loo magacaabay kastamka Berbera Axmed Cabdilaahi Oomaar, ayaa xilkii kala wareegay maalintii shalay maamulihii hore ee kastamkaasi Cali Axmed Maxamed oo dhawaan xilka laga qaaday.

Sida uu ku soo waramay Weriyahayaga Haatuf ee Berbera xaflad xilwareejin ah oo shalay ka dhacday xarunta kastamka Berbera oo ay ka soo qayb-galeen Madaxda gobolka Saaxil, masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqaalaha kastamka. Waxa kale oo iyaguna xilka kula kala wareegay Maamule ku-xigeenkii hore ee kastamka Berbera Sugule Axmed Guuleed iyo maamule ku-xigeenka cusub Maxamed cali Cumar, waxaana khudbado kala duwan halkaa ka soo jeediyay qaar ka mid ah masuuliyiintii xafladda ka soo qayb-gashay.

Agaasimaha Waaxda Kastamada ee Wasaaradda Maaliyadda Cali Qoorseef oo goob-joog ka ahaa munaasibada xilwareejinta ayaa sheegay inay tani qayb ka tahay isku bedel ay dhawaan ku sameeyeen Madaxda kastamada Somaliland isaga u rajeeyay maamulka cusub inay xilkooda si fiican uga soo baxaan.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) oo isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa maamulkii hore ee kastamka ugu mahadnaqay sidii fiicnayd ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii ay xilka hayeen isaga oo maamulka cusubna u rajeeyay inay wada shaqayn fiican la yeelan doonaan maamulka gobolka saaxil.

Gudoomiyuhu waxa uu intaa ku daray in isku badelka madaxdu ay ka mid tahay dhaqanka dawladnimo.

Maamulaha cusub waxa laga soo badelay kastamka Kalabaydh, halka ku xigeenkiisana laga soo badelay kastamka Saylac waxay xilka kala wareegeen maamulkii hore oo dhawaan xilka laga qaaday waxa kale oo xil wareejinta qayb ka ahaa dhammaan shaqaalihii hore ee kastamkaasi oo la bedelay laguna badelay shaqaale cusub.

Madaxa Xafiiska Qaramada

Midoobey Ee Soomaaliya Oo Booqday Berbera

 

Berbera (Haatuf):- Madaxa UNDP-Somalia, ahna isu-duwaha hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawgala Somaliland iyo Somaliya Mr. Maxwell, ayaa xalay booqasho ku tegay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Mr. Gaylard oo ay wehiliyeen saraakiil kale oo ka socday laamaha Q. Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya, waxa halkaa ku soo dhoweeyay madaxda gobolka iyo degmada Berbera oo isla xalay casho-sharaf ugu sameeyay Hotel Xeeb-soor.

Kulankaas cashada ah oo ay labada dhinac isku xog-waraysteen kadib ayaa Guddoomiyaha gobolka Saaxil, ahna Duqa magaalada Berbera, waxa uu u sheegay weriyaha Haatuf ee Berbera in booqashada Mr. Gaylard ay tahay mid indha-indhayn ah oo uu ugu kuur-gelayo xaaladda guud ahaan dalka, iyaguna maamul ahaan ay u gudbiyeen arrimaha ay doonayaan in wax lagala qabto.

Guddoomiyaha Md. Xasan X. Maxamuud (X. Gadhweyne), waxa uu sheegay in ay ka codsadeen Mr. Gaylard in laga caawiyo dib u hagaajinta wershedda sibidhka iyo wershaddii laydhka ee Berbera. Waxaana uu intaa ku daray in Injineeradii hore uga shaqayn jiray labadaa wershadood ay iyana warbixin ka siiyeen weftiga waxa ay qabaan wershadahasi iyo waxa ay u baahan yihiin.

Mr. Gaylard waxa uu noo sheegay ayuu yidhi inuu koox farsamo u soo diri doono labadaa wershadood si ay u eegaan waxa ay u baahan yihiin.

Mr. Gaylard waxa uu dalka yimi toddobaad kahor markaas oo uu magaalada Hargeysa ka furay shir-hawleed qorshe cusub loogu jeexayo gargaarka aadaminim ee Q. Midoobay siiso Somalida tabaalaysan. Kadibna waxa uu socdaal dhinaca dhulka ah ku tegay xuduudka Somaliland iyo Djibouti ay wadaagaan, kaas oo u ku kormeerayay hawsha dib u soo celinta qaxootiga iyo baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jira meelaha qaxootigaas lagu soo celiyay ee gobolka Awdal.

Wuxuu joogi doonaa Berbera ilaa maanta saacadaha hore, mana cadda inuu dib ugu soo noqonayo Hargeysa iyo inuu u dhaafi doono dhinaca gobolka Togdheer.

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Somaliland Waa Meeshaa Keliya Ee Lagu Ixtiraamo Soomaalinimada?

Magaca Soomaali waxaa loo yaqaanaa dhammaan dadka ku hadla afka Soomaaliga ee aqlibiyadoodu ku noolshahay dalalka Geeska Afrika. Dhiig wadaagga, dhaqan wadaagga dadka Soomaalida ahi waa mid hido ah oo ka soo jeeda wadaagga wada dhalasho ee keentay magac-wadaagga.

Marka arrinta loo qaado deegaanada ay ku kala nool yihiin dadka Soomaalidu waa kuwo Juquraafi ahaan iyo dalal aahaan leh xukuumaddo kala duwan.

Soomaalida ma jirto baab sheegaya haddii aan meel laga wada xukumin in aanay horumar gaadheyn, waxaana run ahaantii ugu jirtaa qof waloo Soomaali ah in walaalihiisa kale ee Soomaaliyeed helaan xuquuq dhamaystiran iyo horumar.

Iyada oo inta badan la ogsoonyahay burburkii iyo baabi’ii la soo dersay dawladihii Soomaaliyeed ee midoobay lixdankii (Somaliland iyo Soomaaliya) iyo sidii ay cid walba u waajahday duruuftii la soo deristay ayaa waxaa muuqatay in Somaliland ka nasiib badatay Soomaaliyadii kale ee ay lixdankii midoobeen oo magaalooyinka ku yaal ay yihiin goobo leh noloshii caadiga ahaa ee magaalooyinka marka la barbardhigo walaalahoodii Soomaaliya, laakiin nolosha iyo nabadda ka jirta Somaliland ma noqon mid maamulka Somaliland iyo shicibkoodu ay ka maanaceen in ay la noolaadaan walaalahooda kale, waxaana arrintaa marag madoon u ah tiro aad u badan oo ah Soomaalida u dhalatay gobolada  Soomaaliya,  ayaa u soo qaxay Somaliland kana helay nolol iyo nabad aan ka jirin dhulkoodii, waxaa taas raaca in dadkaasi ay shaqo iyo gacanba ka helaan shacbiweynaha Somaliland ee ay la nool yihiin.

Sida muuqata Somaliland ayuun-baa halka hadda qof aan u dhallan uu si fudud ugu noolaan karo marka la barbardhigo magaalooyinkooda oo qof aan u dhallan aanu haweysan karin inuu si fudud ugu noolaado. Waayo, kii u dhashay ayaabay ku khasabtay inuu ka qaxo.

Marka arrintan la eego, waxaa soo baxaysa in jiritaanka Somaliland uu yahay wax ku ool, dan u ah Soomaalida u dhalatay iyo kuwa aan u dhalan labadaba. Waxaa cad in Hargeysa iyo Somalilandba yihiin dadka iyo dalka qudha ee Soomaalinimadu ka jirto, laakiin taas macnaheedu yuu noqon cid yay u fasiran fududeyn ay Xukuumadda Somaliland ama shacbigeedu fursad uga banaan karto cidii ama kooxdii shaki kaga jiro

Jiritaanka dawladnimo ee Somaliland, ha joogo Somaliland gudaheeda ama dibadeedaba.

Intaa waxaa raaca, koox wal oo magaca Soomaali inta ay huwato, iyadoo dhib mooyee aan waxtar u lahayn Soomaalida, haddana ku hawlan qaab riyo ah oo aanay ka muuqan awood ay ku fuliyaan, laakiin tallaabooyinka iyo talooyinka maroorra ee la socdaa ay yihiin kuwo nuglayn kara ama waxyeelo keeni kara niyad-samida ay dadka reer Somaliland u hayaan wallaalahooda Soomaaliyeed.

Arrintan biyo-dhaceedu wuxuu yahay, Jiritaanka iyo weliba aqoonsigeeda ayay dani ugu jirtaa dadka Soomaaliyeed, marka la barbardhigo waxtar la’aanta iyo dhibta ay u geystaan dadka Soomaaliyeed, sida; kooxda Carta, cidda hogaamisa iyo kuwo kale oo la mid ah.

Tartanka Madaxtinimada

Kenya Oo Meel Kulul Maraysa

 

Nairobi (Daily Nation): Tartanka doorashada ee jagadda M/weynaha Kenya ayaa maraya heer tabaabusho oo kulul.

Uhuru Kenyatta oo ah ninka uu M/weynaha Kenya Daniel Arap Moi uu xulay inuu qabto jagad M/weynaha Kiiniya marka ay dhamaato xiligiisii la doortay jagadaas ayay taageerayaasha xisbiga Kanu aad u xoojiyeen ololahiisa tabaabusho ee doorashada ku dhawaaqista inuu Uhuru Kenyatta yahay musharaxa xisbiga Kanu ee jagada M/weynanimada, waxaa dabayaaqadii todobaadkii hore kaga dhawaaqay shir uu lahaa Xisbiga Kanu oo ka dhacay Eldoret M/weynaha Kenya Daniel Arap Moi.

Xubno ah hogaanka mucaaridka kenya ee caanka ahaa yaa iyaguna dhawaan ku shiray Mombasa si ay u samaystaan isbahaysi ay kula tartamaan xisbiga Kanu.

Isbahaysiga ku shiray Mombasa ee ku heshiiyay inay midoobaan waxaa ka mid ah, xisbiga Dimuquraadiga (Democratic Party) xisbiga Ford, Ford Asili, xisbiga qaranimadda Kenya (National Party of Kenya) Saba-Saba Asili, xisbiga dimuquraadiga bulshada (social democratic Party) Madaxda xisbiyadan mucaaridka ah oo kala ah: Mwai Kibaki oo ah xisbiga dimuquraadiga ah (DP), Charity Ngilu oo ah xisbiga qaranimada Kenya (NPK), Michael Kijana Wamalwa oo ah Ford Kenya ayaa mid waliba markii uu kulankaa ka hadlayay meel fagaare ah oo ku taal Mombasa ay ku sheegeen in marka hogaamiye la doorto mid ka mid ah ayaa kuwa kale uga tanaasuli doonaan hogaaminta isbahaysiga xisbiyada ee la tartaya xisbiga (Kanu).

Xubno kale oo ka tirsan xisbiga kanu kuna jira Golaha Wasiiradda ee Kenya Mr. Raila Odinga iyo Mr. Katana Ngala ayaa maalintii axadii ee todobaadkan shaaca ka qaaday inay kula tartamayaan jagada M/weynanimada Wasiirka D/hoose ee Kenya Mr. Uhuru Kenyatta waxaa isna maalintii sabtidii ee todobaadkan ku dhawaaqay in u yahay musharax jagada M/weynanimada ee Kenya doorashada soo socota Wasiirka gaadiidka iyo Isgaadhsiinta ee Kenya Mr. Musal Mudayad.

Wargeyska daily nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay in xisbiga Kanu ee talada dalka Kiiniya hayaa hadda la soo deristay isbarbaryaacii ugu tirada badnaa ee la soo dersi magacaabista musharaxa Kanu ee jagada M/weynaha.

Raila Odinga oo ka hadlaya arrinta musharaxa Kanu ayaa yidhi “Waxay u taallaa xisbiga (Kanu) cida ay u dooranayaan inuu hormood u noqdo waxaanu doonaynaa in uu xisbiga Kanu noqdo mid Dimuquraadi ah, ma rabno mid ku dhisan kali talisnimo”.

Waxaa isna culays ku siyaadiyay in si hufan loo doorto musharaxa xisbiga Kanu Mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya oo  ka socda xisbiga Kanu waxaanu Yidhi “waa xiligii ay qabaa’ilka kale qaban lahaayeen jagada M/weynenimada Kenya sidii ay u soo qabteen Qabaa’lka Kikuyu iyo Kalenjin oo uu sheegay ina kalkoodii hore u soo qabteen jagadaas”. Wakaalada wararka faransiiska (AFP) ayaa sheegatay in guul darada ay mucaaridka Kenya ku guul daraysteen inay ku heshiiyaan hogaamiye ama ay midoobaan ay sabab u ahayd guul darooyinkii ay xisbiyada mucaaridka Kenya kal kulmeen doorashooyinkii hore ee ka dhacay dalka Kenya.

Boqorka Urdun Abdullah Oo

Maraykanka Uga Digay Inuu Ciraaq Weeraro

 

Camaan (W. Wararka): Boqorka dalka Jordan Cabdullah ayaa uga digay Maraykanka weerar uu ku qaado dalka Ciraaq, waxaanu ku tilmaamay inta ay colaadda u dhaxaysa Israa’ill iyo Falastiin tahay mid aan xal loo helin in weerar uu Maraykanku ku qaado Ciraaq uu la mid yahay sanduuq xidhan oo aan la garan karin waxa ku jira ma ka soo bixi doona marka la furo.

Boqor Cabdullah wuxuu digniinta ku sheegay waraysi uu siiyay UK’s times Paper.

Wargeyska Washington Post ayaa isagu ka soo xigtay saraakiil sarsare oo aad ugu dhow M/weyne Bush in aan go’aan la gaadhay hadda jirin weerar uu Maraykanku ku qaado ciraaq si uu xukunka uga tuuro M/weynaha Ciraaq Sadaam Xuseen.

Boqorka dalka Jordan waxaa kale oo uu diidmo ka muujiyay hindisaha uu soo jeediyay Madaxweynaha Maraykanka Mr. Bush bishii hore oo ku doonaynay in Yaasir Carafaat aanu noqon ninka Madaxda u ah falastiiniyiin marka laga wada xaajoonayo arrimaha bariga dhexe.

Waxa kale oo uu boqorka dalka Jordan sheegay in uu hadda rumeysan yahay inay falastiiniyiintu joojiyaan weeraradii isbiimaynta ahaa iyo in ururka Xamaas uu ka tanaasulay hawlgaladii hubaysnaa uu isu badeli doono garab Siyaasadeed, waxaase uu boqorka Jordan sheegay todobaadkii hore in nasiib darro ay ku ahayd talaabooyinka ay Falastiiniyiintu qaadi lahaayeena ay dib u riday weerarka Israa’iil ee Gaza.

RAADYOW MA QALOOCSHE

 

Halkani waa Raadyow Ma Qalloocshe oo aydun ka dhegeysataan mowjadaha kaftan mitiribaadh iyo ilaaqkiilooheertis. Akhyaartayada indhaha cad-cadow, waxay soo gaadhay wakhtigii aan idinku hirgisi jiray warkii dunida, waxaana maanta idin hulluuqsiin doonna weriye oday biiqay.

 

Isagii oo Kambadhuudha

Jamhuuriyadda Shankaroonland, ayaa cirka hirdi ku gujisay oo dhulka laad ku dhufatay, kadibna waydiisay citiraaf. Hadal xayraan lagu dhoobay ayay ku tidhi; “Cirka iyo dhulkow, isu taga oo citiraaf halkaa dhigga, maadaama aanu dhexdiina ku noollahay.”

Ministarka shuqul-dibadeedka ee dawladda Shankaroonland oo ka mid ah ragga u qaashaartay yaboohada iyo yaahdada aqoonsiga Mr. Hoon Gees, ayaa dharraar dhoweyd tibaax ku helay jabad baali ah oo la sheegay in lagu xaseeyay aqoonsigii Shankaroonland seben hore oo ku beegnayd hilaadahay sannadihii daran-doom mooge iyo Ingiriis dareerkii. Ministarku markuu kobtaa tegay ayuu dhulka yaanbada ku arooriyay oo markuu nin jooggii qoday, wuxuu ugu tegay warqad daxalaysatay oo ku dhuumanaysa.

Warqadaas waxa ku qornaa Ingiriisi buurbuuran oo madaxu buurtaa le’eg yahay. warqaddaa waxa akhriyay rag Af-Ingiriisida ku bidaaraystay. Qoodhay iyo xeraday, haddii la akhriyay ayuu ii akhriyay mid ka midda ingiriisi-yaqaanadii indhaha kal dhergay, waxa ku qornaa “Biritayn bixisay aqoonsi, jiitin, goobaabin, joogsi, Boqorad sawiran, biciid lagu reebay.

Ujeedo: Kuwiin Alif beeto gives Somaliland Big independent, laba dhotis iyo qoolaab.

OG: Illaahay iyo Ummaddiisa

OG: Majlisul Ummamka

OG: Wilson Prime Minister

OG: Joon Daraystal

OG: Diyaana ninkeeda Jaarles Dhega-weyne

OG: All in the Kingdom iyo Boqoradda Ayaydeed.

Jiitin dhibic lagu reebay. Today I am here by give to Somaliland full freedom and I am widraw all my protectrate administration. Because I look-look their big bondary-gooda and people ragganimadooda. And also look their long-neck camel-kooda and elders arrinkooda.

God bless bless bless you. Cidhib baraka leh

Magesty quen Alifbeeto two three four.

Warqaddaa waxa qallinka ku madiiday rag dhawr ah oo aan ka gartay Alle u naxariisaygii xaqu helay.

Haddaba, Ministarku markuu warqaddaa meesha ka helay ayaa xaggaa iyo Atoobiya ula dhababaceeyay.

Ministarka oo aan soo geddoonkiisii waraysi la yeeshay, ayaa sheegay in berigii hore baadi-doonku ka khaldamay oo ay cidlo ku rubad go’een oo habartii saancaddaale ay u gartaanba ay ku odhan jireen; “Have you our aqoonsigayagii?” Laakin, maanta waxaanu hellay raadkiisii asalka ahaa iyo sawirkii iyo sumaddii aqoonsigii berigii inaga fool-baxsaday. Isagoo sheegay markii ay cardisababa tageen in ay yaabooh ku yeedhiyeen, yidhaahdeena; “Waryaa baadidii bariday oo baadida aqoonsiga sheegay, waryaan aqoonsigiisa Alla ka lumin oo Aqoonsigayagii sheega, ninkii qariyaw, Aqoonsigaaga Abeeso ku cuntay, kii noo sheegawna, kaaga laguu sheeg.”

Isagoo yaboohdiisii sii wata, mar uu tilmaamayay sawraciisa, wuxuu yidhi; “Alaf iyo marag buu lahaa, saxeexiyo suulbaa ku yiil, taaj iyo boqor buu lahaa, Af-dheer oo lagu gartiyo il-gees dhanna buu lahaa, ilkahaa sare baa dhacoo, Arbiciin sanno buu jiraa, Ninkii arkayow nasii, ninkii maqlayaw halkee, ninkii dhacayaw halkaa dhig.”

Haddaba, Ministarkan dhulka yaanbada ku aroorshay oo ahaa Ataaryaqaan soo qada Amuuraha dhulka quusa, ayaan waraysiga uraariciyay oo aan waydiiyay in bahashii warqaddan uu ka helay ay ku jirtay wax allaabo oo kale, wuxuu ii sheegay in Allaabooyin kale ka hooseeyeen, laakiin uu isaga oo ka baqday in Midowgii iyo qabyaaladii la aasay iyo shuqulo kale kaga soo baxaan.

Hargeysa

Siidhi walayaasha ciyaarta doorashooyinka Shankaroonland, ayaa si habsami ah u sheegay bil amaara, ayaanta ay bilaabmayso, ciyaarta ragga waaweyn. Siidhi walayaasha oo surwaalo gaagaaban sii toltolanayay ayaa carab-dhabay in tadabiyo habaatanka bisha dirir laxkar ay bilaabmidoonaan tartanka xaashi ku ciyaarka ee daabiyadaha iyo dergedaha inta ka horreysana, waxay sheegeen in ay sii diyaar-garaynayaan sanaaduuqda caashaqa iyo dookha lagu qaybsado iyo dhangadaha lagu kala horayo xisbiyada, marka darka Siyaasadda lagu horo.

Siidhiwalaha koowaad, ayaa faray in ay maadiyadda dhallaanka ah ee Siyaasadda ciyaaraa ay ciyaar-wanaag soo bandhigeen oo khashiinimada iska jiraan, si aanay sidii Sacuudiga Garoomadda ugu ceeboobin. Siidhiwalahu wuxuu ku hanjabay in cidii ciyaar-xumo la timaadda uu kaadhadhka Guduuddan ka dhergin doono, cidii ciyaar-wanaag la timaadda abaalmarin loo siin doono, madaxbuurnimo, loona aqoonsan doono xidigaha ciyaaraha Siyaasadda ee shanta sanno ee soo socda.

Haddaba, ururadan tartanka isu-diiwaangeliyay oo dhammaantood wada juunyaris ah, oo aan midkoodna ciyaar hore u safan, ayaa dadka qaarkii ka baqa-qabaan in hirdanka ku jabaan oo dulqaadku garoomada kaga daato. Dawladda Shankaroonland oo laga shaki qabo in ay garoomada xaadhi kari waydo, Inkasta oo la sheegay in ay dalka Atoobiya ka dalbatay berked ururada guul-daraysta khasada lagaga maydho, iyadoo dalka Jabaanna ballanqaaday dhooliyo dhaawaca dhiikarku ku dhaco lagu daad-gureeyo.

Baydhaba

Raxan weyn iyo wallaweyn xanaaqsan, ayaa dhawaan Baydhaba badhtankeeda isku rifay. Raggaas oo aan cid isku dirtay la garanayn, balse loo malaynayo in uu dagaalku yahay shixnad gargaar ah oo dawladda ku meelgaadhka ahi ay ku caawisay Mr. Shaadhcasaha ka Madaxda ah Maamul-goboleedka dhawaan la abnacay ee lagu tilmaamo inuu yahay made in Itoobiya.

Ciraaq

Madaxweynaha Ciraaq, ayaa dhawaan rayidkiisa u qaybiyay tooriyo iyo midiyo daab-cad u badnaa. Odayga macangagnimada sagaashanka keenay ee Safaad Xuseen, ayaa khudbad uu dadkiisa u jeediyay ku yidhi; “Wallaahi, Amiirikaan Aladiin Amsaxnaakun. Wa cadawul ciraaq ciqaabul shadiid.”

Waxa kaluu dadkiisa faray in qofkii toori laga waayaa in aanu reer ciraaq ahayn, tooriyahaana wuxuu ku yidhi Maraykanka ayaad ku qalqalaysaan oo hillibkooda ayaad cunaysaan, wuxuu kaluu intaa ugu daray in qofkii cunna hillibka Maraykanku uu da’ yaraanayo oo cimrigiisa ay ku kordhayso ilaa boqol sanno amuurtani waxay dhacday xilli Maraykan ku soo sakhraamay inuu ciraaq weeraro, waxaanu daydayaa dalkii uu kiraysan lahaa si uu ciraaq u hujuumo, Inkasta oo uu gacanta u dhiibay wadamada carbeed oo qaar ka mid ahi sheegeen in aanay ogolay in dalkooda ciraaq lagaga duulo, haddana ragga Carab-aqoonka ahi waxay sheegeen in aanu jirin wadan ku dhaca inuu diido Maraykan, waxase laysku hayaa ay tahay qiimaha kirada.

Dhegeystayaal, warkii maanta waa iga intaa, Gabay gaaban oo kuusan ayaanse imika idiin soo daabulayaa, idina waa idinku xamaalka.

Gabay

Aqoonsiga maxaan eryaday

Eryoon Alamtara ka riday,

U dhaafay Alambaqiyo keef,

Ka eegay aqal dhurwaa,

Markuu uum-uum-uuda guray,

Aqoonsiga keen ku idhi.

Awaaraha igu delegay

Maxaan dhababaco ordoon,

 U dhaafay Aqal libaax,

I sigay Aar Toban qad ahi,

I doonay inuu I liqo

Ishayda markuu I dayay

Itaalkaygana hubsaday

Ilkaha la xishoodayoo,

Is yidhi kani waa awliyiyo

Wadaad aakhiro ka yimi.

Markaan idhi aarbulow

Aqoonsi ma keenaysaa,

Wuxuu igu yidhi amuur

Aqoonsigu kee ahaa

Haduu Aqalkayga yaal

Annaa ku cashayn lahaa.

Maxaan ordayoon mar kale,

Itoobiya intaan dhextegay,

Amxaaro intaan u galay

Aqoonsi intaan warsaday,

Intay ishi igu dheheen

I siiya markaan ku idhi,

Antee mindhinow la yidhi,

Alaaqum markaan ku idhi,

Indheetnaw laygu yidhi,

Aqbali maaya aan ku idhi,

Haddana eres laygu yidhi,

Inaatina ugu hanjabay

Ishiyo ishashaarku

Habaar qoti u dhigdhigay

Anoo faramadhan ka imi.

Mar kale aqalkayga deyay,

Ka daydayay beelihii

Barmuuduu ka camaymadee

Dhammaan buntikhiyo hubkii,

Bartaa wada dhigga ku idhi.

Markaan sugayeen salaxay,

Markay sacabadii baryadu,

Kor iyo sare ii baxeen.

Mar kale baadhuhu ku baxay,

Ninkii baacsiga eryaday,

Wuxuu budulkii hayaba

Wuxuu baaxad-soor kadlada

Inbeekiyo sood Afrika

Muxuu ugu go’ay boqool.

Maxaan baadhoon mar kale

Hoyeey boholaa xergegan,

Bakayliyo jiir I sigay.

DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Xarumaha Ilaalinta Iyo Xanaanaynta Xayawaanka Dabiiciga Ahi Waxay Noqdeen Warshado Ganacsi

 

Meelo badan oo dunida ah goobaha lagu xanaaneeyo xayawaanka kala duwan, gaar ahaan noocyada ay tafiirtoodu sii daba yar tahay ayaa ah meelo aad u soo jiita indhaha dalxiisayaasha iyo Waxbarashada tooska ah waayo aragnimada loo geeyo dhalinta soo koraysa ee Waxbarashada ku jirta, dhirta iyo noocyadeeda kala duwan ayaa iyaguna ka mid ahaa meelaha loo qaydo dhul la dhaqaaleeyo si loo ilaaliyo bilicda dabiiciga ah ee deegaanka hadad dunida goobaha lagu daawado badaha xayawaanaadka ku jira ayaa noqday qaar lagu tilmaami karo inaanay noqdeen warshado wax soo saar oo faa’iido badan laga helay.

Goobaha lagu xanaaneeyo xayawaanka badaha ku jira waxaa loo yaqaan (aquariam), ardayda waxbarata iyo dad ka kaleba waxaa aad u xiiso galiya xayawaano ku nool badda oo qaarkood la tababaray. Magaalada Chicago waxay leedahay goobta dunida ugu weyn ee ah seero badeed guri dhexdiis ah oo lagu xanaaneeyo xayawaanka badda.

Jasiirada Bahamas ee ku taalla badweynta atlaantiga ayaa iyana leh seero badeed loo dalxiis tago oo lagu xanaaneeyo laguna daawado xayawaanka ku nool badda.

Van Courer oo ku taala galbeedka kanada ayaa iyana ka mid ah meelaha caanka ku noqotay seero badeedka dalxiis ee ay dad badani u daawasho tagaan iyagoo ku raaxaysta dabiiciga quruxda ah ee deegaanka badda iyo xayawaanada ku nool badda waxaa kale oo dalxiiskan ka mid ah aqoon korodhsi ay ka helaan ardayda dalxiiska u tagtaa.

Sydney oo ku taalla Ustareeliya iyo singabuur ayaa iyaguna leh goobo dalxiis oo xayawaanka iyo dhirta ka baxda badaha dhexdooda lagu daawado.

Marka aynu u soo noqono Somaliland waxaa ka mid ahaa dhulkii loo seeray in ugaadha iyo dhirtoodaba la ilaaliyo 3 goobood oo kala ahaa Geed-deeble, Gacan Libaax Iyo Buurta Daalo waa hubaal in aan (3) gooboodba hadda aanay u dhamaystirnayn dhaqaalaynta xili hore loo qorsheeyay arrintan waxaa ugu sii daran inay inta badan la dabargooyay ugaadhii dabiiciga ahayd oo loo ugaadhsaday qaab ka baxsan xeerarka caalamiga ah ee daryeelka xuquuqda xayawaanka marka la eego dhinaca badaha iyo xayawaankeeda waxaa muuqata Inkasta oo ay Somaliland leedahay bad iyo xeeb dheer oo dhereran haddana ay yaryihiin aqoonta dad badan ay u leeyihiin badaha iyo xayawaankeeda intaa waxaa dheer in aan laga hawlgalin faa’iidada ganacsi ee ay leeyihiin badaha kheyraadkooda iyo faa’iidadoodii dalxiis toona.

Waa hubaal haddii loo hawlgalo in goobo badan oo ka mida badaha Somaliland ay noqon lahaayeen warshad ganacsi oo faa’iido dhaqaale, daryeel deegaan iyo shaqo abuurisba u soo kordhisa Somaliland.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Hannaanka Waxbaraso

Iyo Faa’iidada Mustaqbalka

 

Aasaaska waxbarasho waa lafdhabarta qofkasta oo aadame ah. Waxbarashadu waa furaha nolosha taas oo kuu iftiimisa aqoonta mustaqbalka.

Haddaba wadankeena JSL, waxa aad ku arkaysaa dhinac kasta ood ka eegto ama rukunkasta ku yaalla meelo u furan waxbarasho, taas oo aad ka heli karto waxbarasho nooc kasta ha ahaatee, ama mid sare iyo mid hooseaba halagu barto, waxa wax lagu farxo ah dhalinyaradda wax ka barata waa mid aad wax uga barta inta aan baran uu qaatay balwadan xun ee qaadka islamarkaana hami iyo qamigoodu aad ugu badan yahay balwadaas qaadka iyo sigaarkaba. Kuwaasna waxa aan odhan lahaa wakhtiga haku luminina balwad qaad oo ka faa’iidaysta wakhtiga.

Haddaan dib ugu noqdo wakhtiyadii hore ee ay qaali ahayd sida waxbarasho loo helo iyo sidii ay ahmiyad dadkaasi waxa ay la kulmeen wakhti adag oo xataa sida ay waxbarasho ku helaan ahayd mid u adkayd oo aan la barbardhigi karin tan maanta aynu haysano iyo toodii hore.

Dadkii hore inta ay miyi ka yimaadaan ayay ahmiyadda saari jireen sidii ay wax u baran lahaayeen quraanka kariimka ah intay dhamaysanayaan 30jis.

Ka dib hudheelada ama maqaaxiyaha ayay ka shaqayn jireen iyaga oo nolol maalmeedkooda kala soo bixi jiray ka dib in saacad ah ayay wax baran jireen meel meel aan sidaas u badnayn oo wax laga barto.

Inta yar ee shaqaysataana waxa ay siisan jireen buugaag iyo qalimo iyo dharka ay gashanayaan doobiga ee loo maydhayo.

Waxa taas u dheerayd oo ay ahmiyadda saari jireen sidii ay iskaga bixin lahaayeen bisha wax lagu barayo lama aqoon wakhti lumis iyo faakahaysi wakhtiga lagu lumiyo ee qofkastaa waxa uu ku fakari jiray sida uu wax u baran lahaa, kadib uu mustaqbalkiisa ku raaxaysan lahaa maantana waa kuwa dalka u taliya meel kasta oo ay joogaan waxa ayna dadyowgii ka sii horeeyay ay waxbarasho u doonan jireen magaalo ilaa magaalo tusaale Hargeysa ama Somaliland ilaa Itoobiya iyaga oo u lugaynaya.

Waxbarashadaasi ay ahayd oo jirtay barashada quraanka kariimka ah ilaa iyo inta ay ka dhamaynayaan 30ka jis ee quraanka. Kadib, waxa ay ku soo noqon jireen halkay ka yimaadeen, iyaga oo u sii faa’iidaynaya dadka kale.

Haddaba aan ku soo noqdo dulucda maqaalkaygan Waxbarashada aynu haysanaa waa mid ilaahay inoo fududeeyay oo meel kasta oo dalkeena ku yaalo aynu ka helayno oon lahayn dhibaato iyo safar dheer oo loo lugeeyo taas oo aynu ku dhiganayno waxa adduunka ama wadamada hore umaray loogu dhigo mid la mid ah. Tan dalkeena taallaa isku midna ah.

Waxa aan talo iyo tilmaan aan u soo jeedinayaa dhalinyarada ha ahaadaan yar iyo waynba.

Tacliintu malaha weyni iyo yariba ee ha laga faa’iidaysto wakhtiga.

Axmed Cali Muxumed

 

Intaydaan Doorashada

Galin Ma Booqateen Dugsiyadda

 

Ma booqateen dugsiyada si aad ugu kuur gashan oo aad wax ugu ogaataan nidaamka waxbarasho ee dalka ka socda dhinaca Waxbarashada ma booqateen musharaxiin yahay wanaagsani dugsiyada Axmed dhagax 31may si aad u fiirisaan xaaladda caafimaad ee ardayda iyo fasaladda iyo suuliyadda iskuuladaas ma jeceshihiin si aad ula kulantaan ardayda aan jimicsiga aqoon ee balwaddu dishay iyo caajiska.

Ma jeceshihiin inaad la kulantaan macalimiinta ka cawlan ee baahidu dishootay ee kuuligu dakhli dhaamo dhab ahaan hadaad booqataan waxaad arki doontaan dhibaato weyn oo haysata facii cusbaa ee dalka u soo kacayay taas oo u baahan gurmad qaran oo cidna kali loogu halayn karin wax ka qabashadeeda.

Nidaamka wax barasho ee dalku waa xornimadiisii dib u la soo noqdee waxayna horjoogsatay horumarkii waxbarasho dalkeena Somaliland hadaba taariikhda aanu dib u raacno si aynu u ogaano halka uu ka yimid nidaamka waxbarashadu oo aan ku horayno tii gumaystuhu gacanta ku hayay taasoo dugsiyadu aad u yaraayeen sababta oo ahayd isaga oo arkay in danihiisa gumaysi khatar galin karto waxaanu dayacay macalimiintii dhigaysay maadadii diinta islaamka taasoo uu u arkaayay in ay beeri karto dhalinyaro aqoon leh oo xornimo gaadhsiiya dalkooda.

Haddii aynu eegno xukuumadahii ka danbeeyay madaxbanaanidii dalkeena xooga ma ay saarin waxa kamadalah nidaamkii dalkeena itaalkeeda oo darnaa darteed iyo aqoon darida oo xoog ku lahayd bulshada iyo xamaasadii Siyaasadeed ee gobonimo doonka iyo qolonimo doonka iyo midaynta labadii Soomaaliya ayaa ka qayb qaatay in ay indhaha ka jeediso horumarinta Waxbarashada ee jiray waqtigaa iyaga oo ka faa’iidaysanaya wuxuu xoojiyay gacan ku haynta dawladda ee nidaamka waxbarasho iyo dugsiyadda si uu afweyne kacaankiisa ugu hirgaliyo Soomaaliya oo dhan waxay ahayd ta labaad ee u adeegi jirtay.

- Macalinkaa bilaa mushaharka wixii uu ardayda ka ururiyay ee waalidku ku deeqay waxa la qaybsada maamulka dugsiga iyo kormeerayaasha iyo gudoonka waxbarasho taasoo dulmi ah macalinkuna wax ugu filnayn oo keenaysa inuu meelo kale u shaqo tago.

- Ka warhayn la’aanta xaaladda dugsiyada taasoo keentay in ay maamulayaasha, isku qaateen inay dugsiyada leeyihiin.

- Dhaqan xumada ardayda oo ay sababteedu tahay ka warhayn la’aanta waalidka iyo macalinka baahidiisu wareerisay.

Si aynu wax uga qabano nidaamka waxbarasho ee daran kaasoo keenaya waxbarasho xumo iyo nidaam xumo iyo caafimaad darro iyo dhaqan xumo waxay leedahay in wax lagaga qaban karo:

1.       Waa in isbadal joogto ah lagu sameeyo maamulayaasha iyo kormeerayaasha si loo dareemo waxqabadkooda.

2.       Waa in macalimiintu u sinaadaan mushaharka.

3.       Waa in loo sameeyo hay’ad ururisa wixii ardayga waalidku u soo dhiibo taasoo hay’adu kabayso mushaharka macalimiinta kaabayaasha waxbarasho.

4.       Waa in wasaaradda caafimaadka iyo diintu ay sameeyaan guddiyo kormeera dugsiyada oo ka warhaya xaaladda caafimaad iyo ta akhlaaqeed ee ardayda.

5.       Waa in macalimiinta lagu garab galo samaynta urur macalimiintu leeyihiin kaas oo ka qayb-qaadan doona horumarinta iyo ka hortaga dhibaatooyinka waxbarasho.

6.       Waxa loo baahan yahay in dawladdu ay gacan ka siiso 5ta arday ee ugu horeeya ee ka baxaya dugsiga sare inay sii wataan jaamacadda si ay ugu hirtaan ardayda kale ee wali dugsiyada waxbarasho ku jirta.

-Warfaafinta (Media) taasoo aasaas u ah nidaamka waxbarasho ee kacaankii carab ku haynta aabaha kacaanka hadalkiisana ku dhigaysa mid aan qof iyo iloowshe ku iman karin hadalkiisa taasoo ay arkeen in caqliga wanaagsan iyo diintaba ka horimanayso waxayna sameeyeen gadood garab socday halgankii SNM ee ka horjeeday xukunkii afweyne.

Burburkii gaadhay dad iyo dalkaba kama yareyn ka Waxbarashada gaadhay, hase yeeshee, dhalinyaradii mutadawiciinta ahaa waxay bilaabeen inay ugu hoos dhigaan guryahii burbursanaa hoostooda si ay aqoon darida dadkooda uga saaraan iyada oo ku garab galay waalidkii ardayda ugu iyada oo ay gacan ka gaystay wasaaradeena waxbarasho iyo hay’adaha dalkeena jooga.

Mashaakilaadka nidaamkeena waxbarasho ee aynu arki karno haddii aynu booqano una baahan wax ka qabashadeeda.

1.       Dugsiyada oo ku yar ardayda waxaad arki kartaa 70arday oo ku jira fasal kaliya taasoo leh khatarteeda caafimaad iyo nidaam xumo.

2.       Qalabka Waxbarashada ku caawinaya oon jirin dugsiyada qaarkood waxay leeyihiin waxay fadhiistaan taasoo oo leh khatarteeda waxbarasho xumo.

3.       Daryeel la’aanta macalimiinta iyaga oo badhkood qaadan mushaharka dawladda (ee gunada loogu yeedho)

Macallin, Maxamed Muxumed Nuur

Waa La I caayay Waa Ceeb

Kadib markii aan arkay Qoraal cabasho xambaarsan oo ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya, kaas oo marka aad milicsato aad ka dareemaysid in ay ku gadaamantahay ceeryaamo argaxgax lihi, qoraalkaas oo ahaa mid uu Weriyaha Jamhuuriya u fadhiya magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera uu kaga cabanayo aflagaado iyo hanjabaad joogto ah ay ku hayaan reer Berbera waa sida uu hadalka u dhigaye.

Haddaba waxaan leeyahay aniga oo cabiraya aragtidayda saaxiib cabashada aad Berbera ka cabanayso waxay ka dhigan tahay murtida tidhaahda abaal ruux gala waa la arkaa ruux gudase waa yar yahay.

Taas oo aan uga jeedo Maxamedow sidii ay Berbera kuugu listay ugumaad hambaynin waase nasiib darro dhacay inaad adigu maanta tidhaahdo waa lay caayay adiga oo og aflagaadooyinkii aad wargeysyada ku qortay ee ay ka mid ahaayeen magaaladii Mark2 iyo minyaro qayisha kuwaasoo aanay cidina waxba kaa odhan.

Taana waxaan ku dhaafayaa tacab ba’ay dheh maantaba hadduu hebel I caayayo.

Takale waxaan leeyahay sharciga saxaafadda waa ka xaaraan inuu Suxufigu yidhaahdo waa lay caayay waayo waa shaqada suxufiga wuxuu arkayaa qof caaya mid gacan ula yimaada iyada oo ay taasi jirto haddana shaqsiga suxufiga ah waxaa waajibku ah in uu dulqaato waayo shaqadiisa ayaa la gelaysa. Markaa waxaan leeyahay magacii saxaafada meel baad kaga dhacday ee xaal sii malaha waan ku daahaye waxan ku soo gaabinayaa aniga oo wax badan xeerinaya “Haddii aad Nin weyn tahay waa la I caayay waa ceeb”

C/Rashiid Saleebaan Jaamac (Sanyare) Berbera

 

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Portugal Maxay Ka Filaysa

Martigelinta Tartanka Qaramada Yurub Ee 2004

 

Kadib markii min laba waddan martigeliyeen tartamada kubada cagta sanadihii 2000 iyo 2002, ayay timi tallaabo ka debacsani, waxaana hal wadan martigelinayaa tartanka qaramada Yurub 2004.

Hase yeeshee, 10-ka milyan ee ku nool Portugal ee xiisaha u haya ayay fejiciso ku noqotay markay qayb u heleen martigelinta keligood.

Waddanka aan weligii martigelin tartan horyaal ah kan kahor ayay kooxdiisu doonaysaa inay khaanad ku yeelato qaramada Yurub iyo koobhka adduunka. Maadaama ay tahay wadan adag kana mid ah dalalka ugu xooga weyn ee xaga ciyaaraha.

Portugal waxay u musuusuqaysaa inay muujiso qaninimadeeda kubadda cagta. Benfica, Sporting Lisbon iyo FC Porto, waa saddexda kooxood ee ugu sumcadda weyn dhinaca Yurub.

Helitaanka Portugal ee fursada koobka Yurub, xaqiiqdii maaha wax lala yaabo, balse waxay tallaabada shacbiga Portaqiisku marag u tahay jacaylka ay kubadda cagta u hayaan. Halku-dhega Portugal wuxuu noqday “We love football.”

Jacaylka ay ciyaaraha u hayaan shacbiga Portugal wax layaab leh kuma aha ciyaartoyga dalka, waayo waxay ka mid yihiin wax-soosaarka ay ka filayaan tartanka ay martigelinayaan inay sumcad dunida kaga helaan xiddigahooda ay ka midka yihiin Luis Figo iyo Rui Costa.

Dhinaca kalena waxay ka filayaan dhaqaale buuran oo kasoo gala, gaar ahaan siddeeda magaalo ee tartanku ka dhacayo.

Braga iyo Guimaraes oo waqooyiga dalka ah iyo Algarve oo koonfurta ah, waxaa ku yaal shan ka mid ah 10-ka garoon ee lagu qabanayo tartanka qaramada Yurub markii ugu horaysay taariikhda.

Portugal waxay soo bandhigtay qorshe dhaqaale oo ay ku maal-gelisay garoomada, tallaabadaasina waxay keentay in guddida fulinta UEFA isku raacay, iyada oo la qiimaynayo faa’iidada dhinac waliba helayo.

Magaalada caasimada ah Lisbon waxay leedahay garoon cusub oo qaada (54,000), kaas oo ay dhismihiisa ku baxday lacag lagu qiyaasay 60 milyan oo gini.

Garoonkaa cusubi wuxuu hoy u yahay kooxda Sporting Lisbon, oo 17 goor ku guulaysatay horyaalka Portugal.

Garoonka nuurka badan ee kooxda labada goor ku guulaystay koobka horyaalada Yurub ee Benfica, waxay dib u habayn ku samaysay garoonkeeda oo ayku baxday 15 milyan oo gini, waxaana muggiisa la gaadhsiiyay ilaa (70,000) oo qof.

FC Porto, iyana waxay ku dhaqaaqday hoy cusub oo ay u dhistay horyaalka qaramada Yurub, weelkaa cusub oo qaada (50,000) oo qof, waxaa ku baxday 50 milyan oo gini.

Garoomada kale ee cusub waxaa laga kala dhisay magaalooyinka Braga, Aveiro, Coimbra iyo Algarve.

Portugal guul-daradii ay u geysatay Spain, waxay qayb ka ahayd sababtay ku heshay martigelinta koobka Yurub 2004, taas oo si hufan u caddaysay tabasho ay muddo dheer qabtay oo ahayd in waddanka ay jaarka yihiin hadheeyay kaalinta ay ku lahayd caalamka kubadda cagta.

Si kastaba ha ahaatee dhaqaaleheeda oo kobcay iyo tayada garoomadeeda oo caalami noqday ayaa kaabiga keenay in Portugal si adag magaceeda ugu muujiso khariirada kubadda cagta.

Hadal iyo dhammaantii waxay ka filaysaa kooxdeeda rajadii ugu saraysay ee weligeed ay gaadho, iyo in ay soo noolayso magaceeda mugdigu hareereeyay.

Cameron Oo Martiqaad Ka Heshay Brazil

 

Yaounde (AP) – Horyaalka kubadda cagta Afrika ee Cermaroon ayaa mari-qaad ciyaareed oo saaxiibtinimo ka heshay horyaalka kubadda cagta dunida ee Brazil, sidaa waxa shaaca ka qaaday xidhiidhka kubadda cagta ee wadanka Fecafoot.

Libaaxyada Afrika waxa kale oo ay marti-qaad ciyaareed ka heleen wadanka sida layaabka ah kaga hadhay kaalinta siddeeda ee Mexico.

Warkan waxaa soo saaray Guddoomiyaha Fecafoot Iya Maxamed oo ka qaybgalay dood telefishanka ah oo ka dhacday magaalada Yaounde, oo laga hadlayay nusqaantii Cameron kala kulantay tartankii dhawaan lagu soo gebogebeeyay Korea iyo Japan.

Iya Maxamed wuxuu difaacay in ay kulamadan iskaga masaxayaan niyad-jabkii ay ka cabanayeen ee koobka adduunka kaga dhacay. “Maanaan haligmin, laakiin niyad-jab waa jiray, welina waxaanu isku wadnaa inaanu ka mid nahay kuwa dunida ugu fiican,” ayuu yidhi Maxamed.

Guddoomiyuhu wuxuu faankiisa marag-fur uga dhiganayaa marti-qaadka ay Brazil ka heleen. Wuxuuna yidhi; “Wanaagayaga waxaa u daliil ah sababta horyaalka dunida ee Brazil u door-bidayso inay nala ciyaarto.”

Difaaca Guddoomiyaha Cameroon, waxa kale oo u marag-furay weriyeyaasha telefishanka o tilmaamay in kaalinta 17aad ee ay dunida kaga jirtaa weli muujinayso weli inay tahay kooxda ugu horaysa Afrika saadaasha bil-laha ah ee FIFA samaysay.

Maxamed waxa kale oo uu difaacay heshiiska cusub ee loo kordhiyay tabobaraha kooxda Winfried Schafar oo laba sanadood loo kordhiyay muddadii xilka xulka qaranka wuxuuna yidhi; “Horumar maaha in markasta tabobaraha la beddelaa.”

Ciyaaraha saaxiibtinimo ee Cameroon la yeelanayso wadamada Brazil iyo Mexico waxay dhacayaan bisha October ee soo socota.

Arsenal Oo Joojisay Ciyaaro Saaxiibtinimo

 

Austria (AP) – Naadiga Arsenal ayaa joojisay ciyaar saaxiibtinimo oo ay la yeelan lahayd TSV Hart-berg, halkaas oo ay ka dhaceen rabshado hakiyay mid ka mid ah kulamadii ay Austria u tageen.

Maamulaha Arsenal Arsene Wenger, ayaa u baqay ammaanka ciyaartoygiisa oo debedda uga baxday ciyaar dhexmaraysay iyaga iyo Rapid Vienna, sidaana ku baaba’day daqiiqadii 69aad.

Taageerayaasha Rapid ayaa kulankaas oo ka dhacay Eisenstandt shiid hadhka kaga dhigay.

Dhacdadaas oo markii bilaysku isku deyay in uu joojiyo ay rabsho-walayaashu adeegsadeen quraarado Patrol ku jiro iyo kuraasidii garoonka oo ay la dhacayeen askarta.

Inkasta oo la joojiyay kulankii ay Isniintii yeelan lahayd, haddana Arsenal weli waxay qayb ka tahay tartanka Khamiista ka dhacaya Kapfenberg, oo ay ku jiraan Roma iyo Panathinaikos.

Tartanka Austria ayay madaxdiisu hadda isu diyaarinaysaa sidii ay taxaddar weyn ugu samayn lahaayeen kulamada saaxiibtinimo ee maqaamka sare ah, waxayna amreen in la keeno ciidamada gacan ka hadalka ka hortaga.

“Dhibaatada ka dhacda kulamada saaxiibtinimo inta badan waxaa huriya ururada gaarka ah mana aha kuwo kooxuhu sababaan,” sida waxa yidhi af-hayeen u hadlay horyaalka Bundesliga Mr. Christian Kircher.

“Waxaanu ka fekeraynaa in la kordhiyo ammaanka kulamada noocan oo kale ah,” ayuu ku daray.

Xidhiidhka kubadda cagta ee Austria, ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay mashaqadaa ku daminayeen, iyaga oo maskaxda ku hayay dhaawacaasi inuu saamayn ku yeelan karo tartanka ay Austria iyo Swiss-ku ugu jiraan martigelinta tartanka qaramada Yurub ee 2008.

“Sannadkan u dambeeyay Austria waxaa ka dhacay in ka badan 200 oo kulan, kamanay dhicin dhibaato tii Sabtidii la mid ahi,” sidaa waxa sheegay war-murtiyeed ka soo baxay AFA.

Arsenal waxay go’aansatay la ciyaarista Hart-berg, kadib markay ka heshay dammaanad-qaad adag oo ammaankeeda ah. Hase yeeshee, waxay keentay talaabda Wenger ugu soo hayaamay London.

Arsene Wenger oo ka hadlay dhibaatadii Sabtidii ayaa muujiyay dareenka uu ka qaatay intii aanay ciyaartuba bilaaban, wuxuuna yidhi; “Waxaan dareen qaatay isla markii aanu garoonka nimi. Waxa muuqday sansaan aan caadi ahayn oo heerkulkeedu sarreeyo, iyada oo arrin aad u khaldan ahayd ammaanka oo aad u tuntay.”

Wenger wuxuu sheegay inaanay jirin wax difaac ah oo ilaalinayay ciyaartoyga labada dhinac midkoodna. Hase yeeshee, Wenger wuxuu qiray inay nasiib ku baxsadeen, maadaama ay dadku markiiba hareereeyeen goobtii ay kooxdu gaboodsatay. Arrintaasna wuxuu ku macneeyay mid aan la aqbali karin. “Tani waa mid aan guud ahaanba la aqbali karin, sii jiritaankeeduna meel kuma laha kulamada,” ayuu raaciyay Wenger.

Liverpool Oo La Heshiisay Goolhaye Cusub

 

Zurich (AFP) – Liverpool ayaa heshiis la gashay goolhayihii kooxda Faransiiska ah ee Monaco, Patrice Luzi, oo ay shuruud la’aan kagala wareegtay.

22-jirka Luzi, wuxuu ku biiray kooxda Gerard Houllier oo ku hawlan tabobar ay toddobaadkii hore u tagtay garoon ku yaal Swiss, wuxuuna ciyaari doonaa kulan tijaabo ah oo Liverpool Jimcaha la yeelan doonto koox waddankaas ah.

Goolhayahani waa kii afraad ee Liverpool yeelatay, waxaana hore ugu joogay Jerzy Dudek, Chris Kirkland iyo Pegguy Arphexad.

Tabobaraha Liverpool, wuxuu caddeeyay inaanu ciyaaraha waaweyn ka qaybgeli doonin tan iyo inta uu khibrad ku filan yeelanayo.

Waayo-aragnimada ugu weyn ee uu leeyahay waa xilli-ciyaareedkii 1999-2000 oo uu u saftay Monaco, markii ay ololaha ugu jirtay hanashada horyaalka Faransiiska.

Luzi waa ciyaartoygii shanaad ee ay xagaagan soo xero-geliyaan.