Haatuf, Cadadki 127, July 31, 2002 Wada-Hadalo Dhexmaray Madaxweyne Rayaale Iyo Diblomaasiyiin Kanadiyaan Ah Harg (Haatuf):- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay diblomaasiyiin ka socda safaaradaha Kanada u fadhiya Addis Ababa iyo Nayroobi. Sida uu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris, diblomaasiyiintaas oo ka koobnaa; Stephen Randall, xoghayaha koowaad ahna u qaybsanaha arrimaha siyaasadda ee safaaradda Kanada ee Nayroobi iyo Katherine Verrier oo madax ka ah arrimaha siyaasada iyo barnaamijyada ganacsi ee safaaradda Addis Ababa, waxa ay ujeedada booqashadooda ku sheegeen mid la xidhiidha xog-ogaal u noqoshada xaaladda dhab ahaan ka jirta Somaliland marxaladdan. Mr. Stephen Randall ayaa sheegay in isaga ay u tahay markii lixaad ee uu yimaado Somaliland, waxaana uu u sheegay madaxweynaha inuu ku faraxsan yahay markasta oo uu yimaado Hargeysa, oo uu arko horumarka iyo nabadgelyada uu dalkani hantay, taas oo uu ku ammaanay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland. Waxaana uu sheegay in wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo dawladdiisuba ay la socdaan waxa ka jira Somaliland ee uu arkay. War-saxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in madaxweyne Rayaale uu u sheegay diblomaasiyiintaas in cid walba oo dalkan timaada ay maqlaan wax wanaagsan iyo ammaan. “Taa waanu ka gudubnay,” ayuu yidhi, waxaana u uintaa ku daray oo yidhi; “Marka dambe idinka oo dalkani waxa uu mudan yahay sida ayaan jecelahay inaad timaadaan.” War-saxaafadeedku waxa uu sheegay in diblomaasiyiintu ay weydiiyeen madaxweynaha waxyaabaha ay mudnaanta koowaad siinayaan ee Somaliland u baahan tahay. Md. Rayaale-na waxa uu mudnaata koowaad ka dhigay aqoonsiga iyo ta labaad oo ah taageerada dhinacyada kala duwan ee horumarka dalka. Isaga oo arrinta aqoonsiga faahfaahinaya Md. Rayaale waxaa uu u sheegay diblomaasiyiinta in arrinta Somaliland dadka qaar si qalloocan u sheegaan oo ay ka dhigaan gobol dalkiisii hooyo ka go’ay. Waxaana uu sheegay in aanay sidaa ahayn ee koonfur iyo waqooyi ay ahaayeen laba dal oo isugu darmay sidii Siiriya iyo Masar oo maanta ah laba dal markii ay waxoodii la kala noqdeen. Md. Rayaale sida war-saxaafadeedku sheegay waxa kale oo uu u sharraxay marxaladihii ay Somaliland soo martay laga soo bilaabo markii ay madax-bannaanideeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 1960-kii, markaas oo qaranimada Somaliland laga diiwaangeliyay Q. Midoobay, dalal badanina ay aqoonsadeen. Waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin gebi ahaanba sharci midnimo oo ay labadii Baarlamaan kala saxeexdeen, iyo in burburkii dawladdii Siyaad Barre kahor aanay dagaalo ka dhicin koonfur, halka dalkan uu toban sannadood dagaal ka socday. “Sidaas awgeed waxaanu idinka rajaynaynaa in dawladdiinu hormood u noqoto ictiraafka Somaliland oo aanu qabno inaanu raagi doonin,” ayuu madaxweyne Rayaale ku yidhi diblomaasiyiinta sida war-saxaafadeedku qoray. Waxa kale oo ay diblomaasiyiintu wax ka weydiiyeen madaxweynaha Shirka Nayroobi lagu qaban doono iyo rajada uu ka qabo in koonfur wax ugu hagaagaan. Waxaana uu war-saxaafadeedku sheegay in Md. Rayaale uu taa kaga jawaabay in qaabka shirkaasi aanu waxba kaga duwanayn kuwii ka horreeyay, isla markaana uu u arko in furdaaminta dhibaatada Somaliya uu fure u yahay aqoonsiga Somaliland, kaas oo uu sheegay inuu ku dhiirigelin karo inay aayahooda kaga tashadaan dalkooda gudihiisa, iyaga oo arrinta hoos ka soo unkaya. Kulankaas waxa madaxweynaha ku weheliyay wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Siciid Gees, waxaana ay diblomaasiyiintu ballanqaadeen inay sida ay tahay ay ugu wargeyn doonaan xukuumadooda oo arrimahan danaynaysa ayuu yidhi war-saxaafadeedku. Diblomaasiyiintaasi waxa ay dalka yimaadeen Isniintii dorraad, waxayna joogayaan ilaa Khamiista. Shir Lagu Khatimayo Barnaamij Cilmi-Baadhis Ah Oo 3-Sanno Socday Oo Ka Furmay Hargeysa “Somaliland waa cidda keli ah ee maanta dhibaatooyinkaa ka soo kabatay ee Qaran-nimo u gudubtay” Madaxweyne Rayaale Hargeysa (Haatuf): Shir laba maalmood soconaya oo ay ka qayb-galayaan in ku dhow 150-aqoonyahano, suxufiyiin, xubno ka socda qaybaha bulshada iyo martisharaf kaleba isugu jira oo lagu gunnaanadayo mashruuc Cilmi-baadhis ahaa oo ay Akademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland (Academy For Peace and Development) waday muddo saddex sannadood gaadhaysa, ayaa shalay ka furmay hoolka shirarka ee Ambassador Hotel Hargeysa, kaas oo uu furay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin. Isla markaana lagu soo bandhigay macluumaadkii ay xarunta nabadda iyo horumarintu ku soo ururisay hawl-galkaas Cilmi-baadhista ah. Mashruucaa Cilmi-baadhista ah ee ay fulisay xarunta nabadda iyo horumarinta Somaliland oo ay ka hawl-galaan aqoonyahano Muwaadiniin iyo ajaanib-ba isugu jiraa, waxa kala qayb-galay muddadii uu socday waxgarad kale oo tirabadan, waxaanu hawl-galkaas Cilmi-baadhista ah lagu raad-goobayay, laguna ururiyay macluumaad la xidhiidha afar qaybood oo kala ah: 1. Doorka Warbaahinta Somaliland ka qaadatay dib-u-dhiska, siday ku soo unkantay Saxaafaddu, waayaha ku gadfan, dhibatooyinka hadda haysta, khaladaadka ay galaan ka laga galo, iyo arrimo kale oo la mid ah. 2. Saamaynta dagaaladii iyo burburkii dhacay ku yeesheen hab-nololeedka dhaqan dhaqaale ee qoyska. 3. Ganacsiga xoolaha iyo isbedelka waayaha nololeed ee xoola dhaqatada iyo duruufaha deegaanka. 4. Iyo qodobka afraad ee Cilmi-baadhista oo lagu eegayay nidaam-dawladeedka wanaagsan. Cilmi-baadhista afartaa mawduuc, waxaa bud-dhig u ahaa shirar dhawr iyo Toban gaadhayay oo ka kala dhacay deegaanada kala duwan ee dalka, kuwaas oo ay ku kulmeen aqoonyahano, saxafiyiin, dhaqan-yaqaano, abwaano, haween, dhallinyaro, siyaasiyiin, xoolo-dhaqato, xirfadlayaal, iyo dad kale oo badaniba, waxaana hawl-galkaas Cilmi-baadhista ah macluumaadkii lagu soo ururiyay laga diyaariyay afar buug iyo afar filim (Documentary film). Kulankii shalayna, waxaa lagu soo bandhigay nuqullada buugaagta, isla markaana waxaa lagu daawaday qaar ka mid ah Filimadaas, kuwaas oo loogu tallo-galay in ay ka qayb-galayaashu ka dhiibtaan tallooyinkii ugu dambeeyay, si loogu biiriyo wixii dhimman ee muhiim ah buuggaagtaas iyo filimadaba, isla markaana buugaagtaas loo geliyo daabacadii kama dambaysta ahayd. Sidaa aawadeedna, kulankii shalay ee furitaanka ahaa waxay ka qayb-galayaashu tallooyin iyo soo jeedimo kaga dhiibteen saddexda Mawduuc ee kala ah: Ø Doorka Warbaahinta ee dib-u-dhiska, Ø Saamaynta burburkii ku yeeshay qoyska, Ø Iyo Ganacsiga xoolaha iyo xaaladda guud ee xoolo-dhaqatada, deegaanka. Waxaanay marka hore ka qayb-galayaashu halkaa ku daawadeen saddex filim oo saddexdaa qodob ku saabsan, kuwaas oo muujinayay isbedelka kala duwan ee dhacay, isla markaana iftiiminayay Sooyaalkii hore iyo sida wax waliba ahaan jireen waaggii hore iyo maanta halka xaalku marayo. Dhinaca xoolaha marka la eego Filimku, wuxuu muujinayay silica iyo saxariirka uu ku sugan yahy neefka xoolaha ahi, iyo dhibaatooyinka qallafsan ee la deriska ah, kuwaas oo u muuqda qaar aan lagu baraarugsanayn, sida laga dareemayay ka qayb-galayaal badan markii filimka la daawanayay. Dhallan-rog baaxad leh oo ku dhacay deegaanka, iyo hannaankii nolosha bulshada miyiga, ayaa iyana qayb ka ahaa muuqaalka filimka. Sidoo kale, waxaa indhaha ka qayb-galayaasha xoog u soo jiitay muuqaalada filimka laga sameeyay saamaynta burburkii iyo dagaaladii dalka ka dhacay ku yeesheen hannaankii nololleed, iyo dabeecadii dhaqan dhaqaale ee bud-dhigga u ahaan jirtay dhismaha qoyska, siiba qaar muujinayay sida uu Jaadku u kala qubay akhlaaqdii iyo dhaqankii nololeed ee qoyska yar iyo weyn-ba. Barnaamijka Cilmi-baadhista ah ee Akademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland ku eegaysay qaybahaas kala duwan oo lagu khatimayo kulanka maanta, waxa lagu tilmaamay mid faa’iido weyn yeeshay oo lagu helay xog iyo xaqiiqooyin sahlaya ogaanshaha xaaladda taagan, tixraacna u noqon kara tallaabada dhinaca horumarka ee Somaliland qaaday iyo ururinta sooyaalkii taariikheed, dhaqan iyo aqooneed ee bulshada. Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo kulankaa shalay hadal kooban ku furayna, wuxuu sheegay in hawshani tahay mid waxtar weyn u leh dalka iyo dadka, waxaanu u mahadnaqay Akademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland ee hawshaa fullisay iyo cidii maal-gelisayba. “Somaliland waxaan u arkaa in ay tusaale u tahay meelo badan oo adduunka oo dhan ah oo burburka dhacay, isla markaana ay ka faa’iidaysan doonnaan,” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, waxaanu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Waayo, Afrika maanta waxa jira dagaalo, qabyaalad iyo burbur, hase yeeshee Somaliland, waxaan odhan karaa waa cidda keli ah ee dhibaatooyinkas, iyagoo waxgaradkooda iyo dhaqankooda ku xisaabtamaya, ka soo kabatay, maantana qaran-nimo u gudubtay weeye.” Madaxweyne Rayaale, wuxuu intaa ku daray oo uu ka dalbay aqoonyahanada Akademiyadda in ay hawlaha noocaas ah sii wadaan, isla markaana waxyaabaha ay Somaliland gaadhay u gudbiyaan Caalamka. Dhinaca kale, mashruucan Cilmi-baadhista ah, waxaa lagu qiyaasay lacagta ku baxday ilaa 1.5 milyan oo doollarka Maraykanka ah, waxaana maal-geliyay hay’ad lagu magacaabo WSP International oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva, iyo hay’addo kale oo Caalami ah oo ay kaashatay. Waxaana goob-joog ahaa oo ka soo qayb-galay kullannadan khatimaadda ah, xubno ka socday hay’adaas iyo diblomaasiyiin ka socday safaaradda Kanada ee magaalada Addis Ababa. Sidoo kale, waxaa ka qayb-galayaasha ka mid ah, xubno ka socda dalka Rwanda oo ay hore uga dhaceen xasuuqyo iyo dagaalo, kuwaas oo uu maamulaha Akademiyadda Dr. Xuseen Bulxan sheegay in ay doonayaan in ay ka shidaal qaataan oo ka faa’iidaystaan tubta loo maray Cilmi-baadhista iyo sida Somaliland wax u qabsatayba. Waxa kale oo iyana lagu martiqaaday oo ka soo qayb-galay madashan, xubno ka kala socda xarumo dhinaca nabadda iyo horumarinta ah oo ka jira Puntland iyo magaalada Muqdisho. “Markaan Bandhigo Baahida Somaliland Ka Jirta Waxa Soo Bixi Doonta Maaliyad Carruur Badan Lagu Caawiyo” Good Will UNICEF Ambassador Tetsuko KuroyanagiHargeysa (Haatuf): Safiirka rajo wanaaga ee UNICEF Tetsuko Kuroyanagi oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay Jabaan ayaa maanta ka ambabaxaysa Somaliland. Ms. Tetsuko oo hogaaminaysay wafdi ka kooban 17 xubnood oo isugu jira Diblomaasiyiin, Saraakill ka tirsan hay’adda UNICEF, weriyayaal, iyo sawirqaadayaal waxay booqasho ku yimaadeen Somaliland 25 July, waxaanay safaro ku soo mareen goobo ku yaal magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Gabiley, Sheekh, iyo Berbera. Goobahan ay Ms. Tetsuko iyo howlwadeenada la socday ay soo mareen waxay ahaayeen goobo ay ka socdaan hawlaha daryeelka Carruurta, caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo suuqyada iyo xaafadaha Boorama ee ka qaybta ah mashruuca biyo-gelinta ee hay’adda UNICEF ay ka hirgalisay Boorama. Booqashada ay maanta fanaanada qoraagana ah ee reer Jabaan Ms. Tetsuko Kuroyanagi ay maanta soo gabagabaysay waa tii 26aad ee ay hawl shaqo mutadacnimo ku tagto dalalka dunida tan iyo intii ay hayada UNICEF ku sharaftay masuuliyada Safiirka rajo wanaaga ee UNICEF (UNICEF Good will Ambassador) sanadkii 1984-kii. Shir-jaraa’id oo ay xalay ku qabatay Hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa ayaa Ms. Tetsuko ugu sheegtay saxaafada in ay 8:00AM aroornimo arbacada 31Julay 2002 oo saaka ah ay ka ambabaxayso Hargeysa. Shirkaa Jaraa’id waxaa xalay ku weheliyay Ms. Tetsuko, madaxa hayada UNICEF ee (Somaliland iyo Soomaaliya) Leila Pakkala oo u dhalatay Iran sarkaalka UNICEF u fadhiya Boosaaso Mr. Hiromasa Nakia iyo gabadha hawlaha macluumaadka wararka ee UNICEF Somaaliya Julia Spray-Leverton. Shirkaa jaraa’id su’aal ay saxaafadu weydiisay Ms. Tetsuko iyo howlwadeenadii kale ee UNICEF oo ahayd sida howlaha Waxbarashada haweenka iyo Carruurta ee deegaanada oo qaar aad u hooseeya Somaliland, haweenkana ay ka qaybgalkoodu yar yahay sida ay UNICEF wax uga qabanayso, waxay Leila Pakkala oo ah Madaxa UNICEF (Somaliland iyo Soomaaliya) kaga jawaabtay oo ay sheegtay in sida aad ogtihiin barnaamijka UNICEF ee Soomaaliya wuxuu khuseeyaa Waxbarashada iyo cafimaadka Carruurta waxaa kale oo uu khuseeyaa biyaha iyo nadaafada, wuxuu khuseeyaa Carruurta iyo qoysaskooda iyo fayo dhowrka. Dhinaca Waxbarashada waxay UNICEF iskaashi kala samaysay hay’adaha Waxbarashada qaabilsan waxana aanu xoogga saarnay Waxbarashada aasaasiga ah, waxay UNICEF qabataa oo iyana howsheeda khuseeya Waxbarashada dadban oo hadda buugaagtii manhajkoodu uu dhamaystirmayo iyo wixii kale ee qallab ah ee wax lagaga qabanayo wax qoris la’aanta dadka waaweyn.” Safiirka Rajo wanaaga ee UNICEF Ms. Tetsuko ayaa shirkaa Jaraa’id ee xalay ka sheegtay in intii ay booqashada ku joogtay Somaliland ay booqatay dhowr iskuul kuwaa oo dib u dhiskooda ay maal-gelisay dawladda Jabaan iyo UNICEF waxaanay sheegtay inay halkaa ku aragtay ardaydii oo la siiyay buugaag aad midabyadoodu u qurux badnayd oo ay ku faraxday. Ms. Tetsuko Kuroyanagi oo ah fanaanad jilaaya oo aad loogu qadariyo jilida barnaamijyada Tvga, isla markaana ah qoraa waxay ku mutaysatay in hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ay ku sharafto maamuuska Caalamiga ah ee Good will Ambassador dareenkeeda u damqasho ee Carruurta iyo haweenka gaar ahaan kuwa ay saameeyaan colaadaha dagaaladu. Wafdigan Ms. Tetsuko ee booqashada ku yimid Somaliland maantana ambabaxaya waxaa ka mid ahaa Agaasimaha qaybta Xuquuqda Aadamiga Ilaalinteeda ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Jabaan Mr. Hiroyasu Izumi iyo Madaxda qaybta Siyaasadda ee safaaradda dawladda Jabaan ee Addis Ababa Itoobiya. Ms. Tetsuko Kuroyanagi waxay shirkaa jaraa’id xalay ka sheegtay in howlaha booqasho ee sidan oo kale ah marka ay bandhigto ay sumcadeeda ku kasabto inay lacag deeqa lagu shubo xisaabteeda, sidaa si le’eg ay rajaynayso in markii ay bandhitay baahidii waxbarasho, caafimaad, miino saar ee intii ay booqashada ku joogtay Somaliland ay soo bixi doonto maaliyad suurto-gelisa in carruur badan la gargaaro oo ay farxad ku noolaadaan. Wafdigaa Ms. Tetsuko waxaa ka mid ahaa afar qof oo ah laba rag ah iyo laba dumar oo ka socday TV-ga Asahi ee dalka Jabaan iyo Jariirad uu leeyahay kanbanigaasi hal weriye oo ka mid ah wargeyska Yoiuri, qof ka socday hayada Kyodo ee wararka ee dalka Jabaan ayaa Iyaguna ka mid ahaa. Laas-Caanood: Magaalo Afar Maamul Ku HirdamayaanLaas-caanood (Haatuf): Magaalada Laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool ee bariga Somaliland waxa waqtigan xaadirka ah ka socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, waxayna taasi keentay inay Laas-caanood noqoto magaalo ay ku nool yihiin dad tiro badan oo kala taageersan aragtiyaha kala duwan ee meesha yaal, iyadoo ay halkaa ku hirdamayaan dhawr maamul oo kala duwani. Weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, liibaan Maaweel shire oo dhowaan socdaal gaaban ku tegey magaalada Laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa war-bixin kooban nooga soo diray dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee halkaa ka jira iyo maamulada kala duwan ee ku hirdamaya, wuxuuna weriyuhu war-bixintiisa ku bilaabay: “Magaalada Laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool waxa ka socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, waxaana ku hirdamaya dhawr maamul oo kala duwan. Sidaa darteed magaalada Laas-caanood oo ay hadda ku dhaqan yihiin dad aad u badani waxay dadkaasi kala taageersan yihiin siyaasadaha iyo maamulada ku hirdamaya halkaa. Ilaa afar dhinac ayey gaadhayaan aragtiyaha siyaasadeed ama maamul ee halkaa ku loolamayaa, waxayna kala yihiin: Maamulka Somaliland, maamul-goboleedka Puntland oo laba garab ah (Garabka C/laahi Yuusuf & garabka Jaamac Cali Jaamac) iyo qolada afraad oo ah qolo Somali-weyn loogu yeedho. Waxa hadda magaalada Laas-caanood gudaheeda ku sugan Madaxweyne-kuxigeenka maamulkii Jaamac Cali Jaamac ee uu C/laahi Yuusuf Puntland ka qabsaday, Mr: Axmed Maxamed Goonle iyo xubno ka tirsan golihiisii wasiirada. Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali-koore ayaa isna in muddo ah socdaal ku joogey magaalada Laas-caanood, kana wadey dhaqdhaqaaq siyaasadeed, isaga kulamo la yeeshay maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Xukuumadda Somaliland halkaa u jooga iyo qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada gobolka Sool. Nin ka mid ah dadkii goob jooga ka ahaa kulamada dhex-maray wasiirka xanaanada xoolaha, madax-dhaqameedka iyo maamulka, laakiin magaciisa ka cudur daartay ayaa ii sheegay in kulamadaa waxyaalihii lagaga wada hadlay ay ka mid ahaayeen in la adkeeyo nabadgelyada gobolka iyo sidii loogu googol-xaadhi lahaa safar la naawilayo inuu Madaxweyne Daahir Rayaale ku tegi doono gobolka Sool, Iyadoo tegista Madaxweyne Rayaale magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool laga hadal hayo. Qaar ka tirsan dadweynaha Reer-Laascaanood oo aan la sheekaystay ayaa dareen soo dhowayn u muujinayey hogaanka cusub ee Madaxweyne Daahir Rayaale, taas oo ay kaftanka siyaasadda ku jirtey in labada beelood (Beesha Awdal & beesha Sool) uu sannadihii lixdamaadkii ka dhexayn jirey xulfi siyaasi ah oo ay isku ahaan jireen USP. Labada xafiis ee badhasaabka iyo ciidanka milateriga waxa dul-sudhan calanka Somaliland, laakiin si kastaba wax haw jireene ma jirto qolo sheegan karta inay gacanta ku hayso maamulka iyo awoodda siyaasadeed ee gobolka Sool. Dhinaca degmada Yagoori oo ka mid ah degmooyinka gobolka Sool, waxaan kula kulmay muran ka dhex-taagan ciidanka booliska Somaliland ah oo halkaa jooga. Ciidankaas oo tiradooda la iigu sheegay ilaa 50 askari waxa uu murankoodu la xidhiidhay cidda taliye u noqonaysa. Mid ka mid ah askarta muranku ka dhex-oognaa oo aan arintaa wax waydiiyey ayaa ii sheegay in muranku ka dhashay nin hore taliye ugu ahaan jirey ciidanka iyo taliye cusub oo dhowaan la soo magacaabay, taas oo uu ciidankiina kala raacay labadaa nin, waxayna taasi keentay inay labada kooxood ee uu ciidankaasi u kala jabay magaalada Yagoori kala dhigtaan laba koontarool oo kala duwan, ilaa haddana arintaasi waxay ahayd mid aan la xalilin”. Ganacsadaha Reer Djabuuti Ee Sigaarka Laga Gubay Oo Hargeysa Socdaal Ku Yimid “Dhulku waa nabad, dhibaatana ma jirto” C/raxmaan Boorre Hargeysa (Haatuf): Iyadoo dhawaan heshiis cusub laga gaadhay khilaafaadkii hore u dhexmaray labada dawladood ee Somaliland iyo Djabuuti, ayaa waxaa shalay socdaal ku yimi magaalada Hargeysa, Ganacsadaha reer Djabuuti ee lagu magacaabo C/raxmaan Boorre. Weli si cad daaha loogama rogin ujeedada socdaalkiisa, mar ay shalay duhurkii la kulmeen weriyayaal ka tirsan Saxaafadduna, wuu ka cudur-daartay ganacsadde Boorre in wax laga weydiiyo ujeedada socdaalkiisa, wakhtigaas oo uu ku sugnaa Hotelka Ambassador. “Dhulku waa nabad, dhibaato-na ma jirto, markaas hadda waa qaddo tagaynaa oo wakhti ma hayo ee berri ha inoo ahaato,” ayuu yidhi C/raxmaan Boorre, isagoo wejigiisa laga dareemay shucuur farxadeed oo aad uga duwan dareenkii cadhada ahaa ee uu kaga dhaafay Madaarka Hargeysa, dabayaaqadii kal hore mar uu socdaal kedis ahaa ku yimi magaalada Hargeysa oo wada-hadalo aan midho dhalin uu kula yeeshay Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo talada hayay wakhtigaas oo ay Xukuumadda Somaliland dab qabadsiisay shixnad sigaar ahayd oo qiimaheedu gaadhayay ilaa 800-kun oo doollarka Maraykanka ah, taas oo ay lahayd shirkadda Red Sea Central oo uu mulkigeeda leeyahay ganacsade C/raxmaan Boorre. Shixnaddaa Sigaarka ahayd ee C/raxmaan Boorre laga gubay, waxay sii murgisay xilligaas khilaaf markaasba dhexyaalay labada Maamul Somaliland iyo Djabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle-na wuxuu qaaday tallaabo aar-gudasho ahayd, waxaanu xidhay gebi ahaanba xuduudaha cirka, dhulka iyo badda ee uu dalkiisu la wadaago Somaliland. Dawladda Somaliland-na, waxay mamnuucday in dalka la soo geliyo noocyada Sigaarka ee Royalka, Bensonka iyo Playerka oo uu u soo waarido Ganacsadde Boorre dalalka Gobolka badidooda, una kala diro wakiilo uu ku leeyahay. Hase yeeshee, go’aankaasi wuxuu sababay in shixnadihiisa Sigaarku ay si kootarabaan ah ku soo galaan dalka, iyagoo Cashuur la’aan ah. Xidhiidhka labada dal Somaliland iyo Djabuuti, wuxuu mar kale caggo-dhigtay dhawaan markii uu talada Somaliland qabtay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, isla markaasna ay labada Madaxweyne Rayaale iyo Geelle, wada-hadalo turxaan saar ahaa isku hor fadhiisteen magaalada Djabuuti, halkaasna lagu gaadhay Heshiis, dibna loo bilaabay xidhiidhkii iyo isu-socodkii bulshada labada dhinac, lana furay xuduudda. Sidaa daraadeed, warar laga soo xigtay illo ku dhow-dhow ganacsadaha, ayaa sheegay in Socdaalka C/raxmaan Boorre la xidhiidho arrimo ganacsi, siiba noocyada Sigaarka kala duwan, waxaanu isla shalayba kulan kooban kula yeeshay Hotel-ka Ambassador, Ganacsadaha weyn ee X. Cabdi Cawed (Indha-deero). Wershad Warshad Cusub Oo Sharaabka Samaysa Oo Laga Furay Hargeysa Hargeysa (Haatuf): Xaflad ballaadhan oo lagu furayay Warshad cusub oo soo saarta sharaabka laguna magacaabo ILO TANGO ayaa shalay lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa. Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen madax ka socotay dawlaDda, Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, Rugta ganacsiga iyo marti sharaf kale oo badan waxaana laga soo jeediyay khudbado kala duwan. Mulkiilaha warshada cusub Dr: Xasan Faarax Bile oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaasi ayaa ka waramay waxyaabaha ay soo saari doonto warshadan cusubi oo uu sheegay inay ka mid yihiin sharaabka budada ah ee la qasto khudrada la miiray, iyo noocyo kale oo ka mid ah sharaabka la cabo waxaanu intaa ku daray inay ku talo jiraan sidii ay qayb kale ugu dari lahaayeen warshada. Xasan Faarax mar uu ka hadlayay warshadan sababta ay u sameeyeen waxa uu sheegay inay warshadaytu qayb muhiim ah kaga jirto horumarka dalka, ayna dhiiri galisay nabadda iyo xasiloonida dalka ka jirtaa. Isaga oo intaa ku daray in aanay tani ahayn warshadii ugu horaysay ee ay furaan balse ay hore dalka uga hirgaliyeen warshada kaluunka ee laas qoray. Duqa Hargeysa Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Dheere) oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad naqay ganacsatada warshadan cusub keenay isaga oo sheegay inay qayb weyn ka qaadaynayso horumarinta dalka. Ugu dambayna, waxa uu Duqu ku dhiiri galiyay ganacsatada inay sii wadaan dadaalkooda ku wajahan horumarinta dalka. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga C/Raxmaan Faarax Sugaal oo isna hadalka qaatay ayaa ka waramay doorka ay ganacsatadu kaga jiraan horumarinta dalka isaga oo intaa ku daray inay Rugta ganacsigu soo dhawaynayso shakhsiyaadka is xil qaama ee dalka wax ku soo kordhiya. Suldaan C/Raxmaan Sh. Muxumed oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa isna xafladaa ka soo jeediyay hadal kooban oo uu ugu mahad naqay mulkiilayaasha warshadan cusub. Waxaanu suldaanku intaa ku daray ahmiyada ay leedahay nabadu isaga oo sheegay inay fure u tahay horumarka uu dalku higsanayo. Warshadan cusub ee ILO TANGO oo ku taala xaafadda Goljano ee magaalada Hargeysa oo soo saari doonta noocyo kala duwan oo sharaabka ka mid ah waxa kasoo qayb galayaashii xafalada gabagabadii loogu qaybiyay noocyo ka mid ah sharaabka ay soo saartay warshadu taasoo ay marti sharaftii xafladu aad u jeclaysteen. Tababar Loogu Xidhay Kooxo Beeraley Ah BooramaBoorama (Haatuf): Tababar ku saabsan kor u qaadida tacabka beeraha iyo tayada midhaha ayaa isniintii todobaadkan lagu soo gebgebeeyay xarunta hay’adda horumarinta beeraha ee gobolka Awdal ee Boorama. Siduu noo soo tebiyay Weriye Maxamed Cumar, tababarkan oo ay ka qaybgaleen in ka badan 20 Beeralay ah ooka kala socday Beeralayda Deegaanka Saylac, Baki, iyo Boorama waxay muddo shan casho ah xaruntaasi ku baranayeen midhaha Beeraha iyo kor u qaadidda tacabka beeraha xilligan. Isuduwaha Beeraha gobolka Awdal ayaa ka qayb galayaasha u sheegay in tababarkani soo gebagebeeyay tababaro muddo laba sano ahba ay beeralayda deeganadaasi soo qaadanayeen, sidaa darteedna ay maanta haystaan aqoon ku filan si ay isbedel ugu sameeyaan tacabkooda beeraha. Ka hor isuduwaha waxaa halkaa warbixin ku saabsan ujeedada iyo qaabkii loo soo abaabulay tababarkan ka warbixiyay madaxa xafiiska hay’adda ADO-Boorama Xasan Xuseen Nuur. Tababarkan iyo kuwa ka horeeyayba waxa maalgelisay hay’adda IRC. Degmada Balligubadle Oo Loo Magacaabay Xoghaye Cusub Hargeysa (Haatuf): Degmada Balligubadle oo ka tirsan gobolka Hargeysa ayaa shalay loo magacaabay xoghaye cusub oo dawladda hoose ah, iyadoo ay taasi ka dambaysay markii xilka laga qaaday xoghayihii hore ee degmadaa, sidaana waxa lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arimaha gudaha dawladda Somaliland, mudane Cabdilaahi Cumar Cige. Xoghayaha cusub ee loo magacaabay dawladda hoose ee degmada Balligubadle waxa magaciisa la yidhaahdaa: Rabiile Cumar Aw-Cabdi, wuxuuna masuulkan cusubi bedeli doonaa xoghayihii hore ee xilka laga qaaday oo aan magaciisa wareegtada lagu xusin. “Xoghayihii hore waxa la farayaa inuu xilka si degdeg ah ugu wareejiyo xoghayaha cusub” ayuu yidhi wasiirku, wuxuuna intaa ku daray “ Waxa la idinka doonayaa inaad xoghayaha cusub ee la idiin soo magacaabay gacan ku siisaan hawshiisa”, taas oo uu wasiirku wareegtadiisa ku socod siiyey dhinacyo ay ka mid yihiin maayarka degmada Balli-gubadle iyo ninka cusub ee loo magacaabay jagadan, isla markaana waxa uu wasiirku ogaysiin siiyey gudoomiyaha gobolka Hargeysa iyo xoghayihii xilka laga qaaday. Gobaad: Hudheel Cusub Oo Casri Ah Oo Hargeysa Laga Furay Hargeysa (Haatuf): Hudheel cusub oo cunto oo la yidhaahdo GOBAAD ayaa doraad (29/7/2002) laga furay magaalada Hargeysa, iyadoo uu hudheelkaasi munaasibadii furitaankiisa ku soo bandhigay cuntooyin kala duwan iyo weliba farshaxan qurux badan oo la xidhiidha dhinaca adeegyada, maamulka, shaqada iyo shaqaalahaba. Maamulaha hudheelka GOBAAD, Abokor Cumar Abokor oo ka waramaya cuntooyinka ay hudheelkooda ku samayn doonaan iyo sida ay dadka ula mucaamili doonaan ayaa yidhi “ Waxaanu hudheelkan ugu talo galay inuu buuxiyo kaalin ka dhinayd magaalada Hargeysa iyo guud ahaan-ba Somaliland, kaalintaas oo ah sidii loola jaan-qaadi lahaa hudheelada casriga ah ee dunida”, laakiin maamuluhu, isaga oo tilmaamaya waxyaalaha ku cusub hudheelkiisa waxa uu yidhi “ Marka hore cunto fudud oo tayo iyo dhadhan-ba leh, qiimaheeduna aanu ku eryeyn, mar labaadkana waxaanu door-bidnay naqshad cusub iyo qaab debecsan oo shaqo”, laakiin maamuluhu, isaga oo tilmaamaya noocyada cuntada uu hudheelkiisu samaynayo waxa uu yidhi “ Mc-Donald iyo Kerikucky fried Ckicken iyo cuntooyin kale”. Sidoo kale waxyaalaha cusub ee uu hudheelka GOBAAD soo bandhigay waxa ka mid ah shaqaale noociyadiisu cusub tahay, kuwaas oo uu maamulaha hudheelku sheegay inay yihiin shaqaale tababaran, iyadoo buu yidhi muddo ka hor intaan hudheelka la furin ay shaqaalahaasi qaateen tababar la xidhiidha qaababka adeegga hudheelada. “Shaqaalahayagu waa shaqaale shaqada u jajaban, una tababarran, kuwaas oo intii aanaan hudheelka furin aanu siinay tababar socdey muddo laba bilood ah” ayuu yidhi maamulaha hudheelku. Madaxweynaha Afqaanistaan Oo KaBadbaaday Shirqool La Doonayay In Lagu DiloKaabul (W. Wararka): Madaxweynaha dalka afqaanistaan Xaamid Karasay ayaa la sheegay inuu ka badbaaday shirqool dil ah oo loo maleegay ka dib markii ay Ciidamada amaanku ka hortageen baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo loogu talo galay in lagu fuliyo shirqoolka. Sida laga soo xigtay Taliyaha Ciidamada amaanka ee Afqaanistaan Jamaal Diin Muxamed Ciidamada amaanku waxay ku war heleen baabuur siday waxyaabaha qarxa kaasoo loogu talo galay in lagu dilo madaxweynaha Afqaanistaan Karasaay ama qaar ka mid ah wasiiradiisa muhiimka ah sida ka gaashaandhiga Gen: Maxamed Fahiim. Isku daygan dilka waxa uu ka danbeeyay ka dib markii saddex todobaad ka hor la dilay Madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi Xaaji Qadiir oo ay dablay hubaysani ay ahi rasaas ku furtay baabuurkiisa oo maraya Caasimadda Kaabuul. Madaxweyne Karasaay ayaa todobaadka hor codsaday in ay amaankiisa sugaan Ciidamada xulufada ah ee Maraykanku horkacayo ee ku sugan Afqaanistaan ka dib markii uu werwer ka galay amaankiisa. Intii ka danbaysay dilkii Madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi. Ilaa iyo hadda ma cada cida ka dambaysay shirqoolkan lagu damacsanaa in Madaxweynaha lagu khaarajiyo balse waxa ay xukuumadu ku eedaysay kooxaha mucaaridka ah iyadoo la sheegay inuu soo kordhayo khilaaf u dhexeeya isbahaysiga ka taliya Afqaanistaan. Hogaamiyihii Ururka Islaamiga Al-Jeeriya Oo la Dilay
asaa’ir (W. Wararka) Wararka ka imanaya dalka Aljeeriya ayaa sheegaya inay Ciidamada amaanka ee dalkaasi ay dileen maalintii shalay hogaamiyihii ururka hubaysan ee Jamaacatul Islaamiya Rashiid Abuu Turaabi iyo 15 xubnood oo kale mar ay hawlgal ku qaadeen goob 60km u jirta caasimada dalkaasi ee Aljeeris oo ay Saldhigyo ku lahaayeen ururkaasi. Dagaalkan dhex maray labada dhinac oo loo adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka waxa la sheegay in aan ay suurta galin in la aqoonsado inta badan maydadka lagu laayay hawlgalkan iyadoo sababtu tahay maydadka oo aad ugu gubtay hubkii cuslaa ee ay la dhaceen Ciidamada milatariga ee Al-jeeriya. Ilaa iyo hadda jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya dilka hogaamiyaha Jaamacatul Islaamiya, balse waxaa la sheegay inay Ciidamada Aljeeriya dadaal xoog leh beryahan ugu jireen dilkiisa, si ay u naafeeyaan hawlgalada hubaysan ee uu ururkiisu waday. Abuu turaabi oo la sheegay in uu dhawaan la wareegay hogaaminta ururka Jamaacatul Islaamiya waxa lagu tilmaamay inuu aad u mawqif adkaa uuna diiday inuu wax waan waan ah la galo xukuumada Al-Jeeriya isaga oo dhawaan ku dhawaaqay inuu sii wadayo hawlgalkiisa uu kula jiro Ciidamada Al-Jeeriya. Dagaalada ka socda Al-Jeeriya waxa la sheegay inay sanadkan ku dhinteen dad gaadhaya 880 qof, oo ay 240 ka mid ahi yihiin kooxaha hubaysan inta kalena ay yihiin Rayid. Rabshadahan oo bilaabmay 1992kii markii ay Ciidamadu is hortaageen doorashadii ay ku guulaysteen Xisbiga Islaamiga ah ee F.I.S. waxa lagu qiyaasay inay ilaa muddada ku dhinteen 150kun oo qof. Madaxweynayaasha RwandaIyo Congo Oo Saxeexay Heshiis NabadeedPretoria (W. Wararka): Dalalka Kongo iyo Ruwand ayaa shalay heshiis ku kala saxeexday dalka Koonfur Afrika, hishiiskaas oo loogu talo galay in lagu soo afjaro dagaalkii ugu dhumucda weynaa ee Qaaradda Afrika ka socday sannadahan dambe. Madaxweyne JOSEPH KABILA, Madaxweynaha Kongo ayaa sheegay inay bulshada caalamka la gudboon tahay inay taageeraan sidii heshiiskaasi o noqon lahaa mid hirgala. Madaxweynaha heshiiska la saxeexay Kabila oo ah Madaxweynaha Ruwand, Paul Kagame ayaa isna dhiniciisa ka muujiyey rajada uu ka qabo inuu heshiiskaasi hirgalo, isaga oo isna carrabka ku dhuftay sida bulshada caalamka loogaga baahan yahay inay si dhab ah uga hawl galaan sidii loo dhamays tiri lahaa heshiiskaa ay ka qaataan buu yidhi dhaafsiisan wax dibnaha laga xuso. Dad lagu qiyaasay ilaa laba malyuun oo qof (2,000,000 qof) ayaa ku naf-waayey dagaalka mudada afarta sannadood ah ka dhex socdey dalalka Ruwand iyo Kongo oo ah laba dal oo jaar ah, wuxuuna dagaalkaasi bilowday sannadkii 1994kii, ka dib markii ay maleeshiyo HUTU ahi xasuuq ku bilowday dadka TUTSIGA ah, waxaana halkaa ka qaxay ilaa hal malyuun oo qof oo HUTU ah oo u qaxay dalka Kongo oo xiligaa la odhan jirey Sa’iir. Dagaalka Kongo iyo Ruwand u dhexeeyey waxa, iyaguna ka qayb qaatay dalal dhawr ah oo Afrika ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Angola, Jaad, Simbabwi iyo Nambiya, waxayna dawladahaasi la safteen dhinaca Kongo, laakiin dawladaha Yugand iyo Burund ayaa, iyaguna ciidamo u diray halkaa, si ay taageero u siiyaan maleeshiyada ku kacsan dawladda Kongo. Heshiiska ay shalay ku kala saxeexdeen magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika labada Madaxweyne ee Kongo iyo Ruwand waxa dhex-dhexaadinayey Madaxweynaha Koonfur Afrika, Thabo Mbeki iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobay, Kovi Annan, waxa kale oo munaasibadii heshiiska lagu kala saxeexday goob joog ka ahaa Madaxweynaha dalka Malaawi, Mr. Bakili Muluzi. 9-Nin Oo Ku Eedaysnaa Falkii11 September Oo Ku Guulaystay In Ay Ambiil QaataanLondon (W.Wararka) – 9 nin oo aan u dhalan dalka Ingiriiska oo Rumaan u xidhnaa, loona haystay falkii argagixisada ee 11 September 2001 ayaa shalay ku guulaystay Anbiil ay ka qaateen arrintaas, kadib markii si cad loogu soo caddeyn waayay dembigaa. Sagaalka nin oo u xidhnaa xeer degdeg ah oo uu soo saaray xoghayaha arrimaha gudaha Ingiriisku Mr. David Blunket ayaa Guddiga Rafcaanka ee loo yaqaan (SIAC) ee dalka Ingiriiska waxay ku doodeen in Rumaanka jeel ee ragaa 9-ka ah lagu hayay uu ahaa sharci-darro. Laakiin waxay u eg tahay in aan sagaalkaa nin la sii deyn ilaa iyada oo ay dawladu ka daba tegi doonto sidii ay isu hortaagi lahayd Rafcaanka sii deynta ragaa xidhan. Go’aanka ay maxkamaddu ku oggolaatay Rafcaanka sii deynta ragaa xidhan. Go’aanka maxkamaddu ku oggolaatay shalay rafcaanka ragaa xidhan waxaa soo dhoweeyay hay’adaha u dooda xuquuqda aadamiga xafiisyadooda ku yaala dalka Ingiriiska. Xubno mucaarad ah oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa iyaguna dadka ku booriyay in laga doodo sharcigan degdega ah ee awooda u siinaya ciidanka ammaanka ee Ingiriiska in ay qofka xidhi karaan, hayna karaan bilaa maxkamad. Madaxweyne Bush Oo Saxeexay Sharci Lagula Dagaalamayo Musuq-Maasuqa Madaxweynaha Maraykanka G. W. Bush, ayaa saxeexay xeer cusub oo ay dawlada Maraykanku ugu talogashay in lagu yareeyo musuq-maasuqa xisaabaadka ganacsiga ee shirkadaha. Xeerkan hanti-dhawr ee Maraykanka waxaa soo dedejiyay musalafkii maaliyadeed ee dhawaan ku dhacay shirkadaha kala ahaa World Com, iyo Enron. Xeerkan cusub ee Maraykanku wuxuu ciqaab ku xukumayaa cidii samaysa wax is-dhaafin xisaabaad oo shirkadaha ganacsiga ah, waxaa kale oo uu xeerkani dhaqaalaha ay ku hawlgalaan uu u kordhinayo hay’adaha ilaaliya xisaabaadka iyo maaliyada ee Maraykanka sida; (SEC) oo ah hay’adda xafidaada maaliyada iyo ganacsiga. Xeerkani waxaa kale oo uu sharciyaynayaa hay’ad kor-joogto u ilaalisa xisaabaadka shirkadaha ka diiwaan-gashan Maraykanka. Madaxweyne Bush oo ka hadlayay ujeedada sharcigan cusub ee uu saxeexay ayaa yidhi; “Ma jiro mas’uul iyo hawl-wadeen sharciga iska saraysiin karaa ama gees-mari karaa. Waxaanu sharcigani digniin siinayaa cid kasta oo ku talo-jirtay inay musuqmaasuq meel marsato.” Mr. Bush, wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “Ma jiro xeerar gaar u noqonaya shirkadaha, ee isku si ayay shuruucdu u qaban doontaa dhammaan dadka Maraykanka. Sharcigan waxaa ugu horayntii soo jeediyay Mudane ka tirsan Senate-ka Maraykanka oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka Mr. Paul Sarbanes. Waxaana xeerkaa toddobaadkii hore ansixiyay labada aqal ee Congress-ka Maraykanka, taas oo u muuqata in madaxweyne Bush uu saxeexo xeerkani ay ahayd tallaabada qudha ee u bannaan. Guddoomiyaha hay’adda ilaalinta xisaabaadka iyo ganacsiga shirkadaha (SEC) Mr. Harvey Pitt, ayaa dabada ka riixayay in la helo qaab cusub oo hanti-dhawr, kadib fadeexadii ay ku kacday shirkada Enron. Qaabkan cusub ee la dagaalanka musuqmaasuqa shirkadaha Maraykanka waxaa iyana ka mid ah, guddi-xisaabeed ka kooban 9 qof oo leh awooda baadhida xisaabaadka shirkadaha. Xagee Buu Ku DambeeyayDoorkii Mudnaa Dhakhaatiirtu?Xadiis M. Xadiis Markii uu Illaahay dunida taagay waxa uu dusheeda ku uumay makhluuqaad kala duwan oo uu Aadumuhu ka mid yahay, laakiin illaahay aadamaha wuu ka fadilay makhluuqaadkiisa kale, wuxuuna ku manaystay nimcooyin kala duwan oo aynaan halkan ku soo koobi karin. Hase yeeshee binu-aadanka waxa uu Illaahay ku imtixaamay waxyaalo badan, waana tii hore loo yidhi “ Nimco waliba nuqsaanteeda leh”. Inkasta oo ay badan yihiin waxyaalaha uu Illaahay Aadamihiisa ku imtixaamay, haddana waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa cudurrada kala duwan ee aadamaha ku dhaca, iyadoo uu Illaahay awoodo inuu qofka aadamaha ahi caafimaad qab ku waaro, laakiin cudurradu waxay ka mid yihiin waxyaalaha uu Illaahay adoomihiisa ku imtixaamo. Hase yeeshee Illaahay inkasta oo uu adoomihiisa imtixaamay, haddana uma darraan, sidaa darteed cudurrada waxa uu ka daba keenay daawooyinkula dagaalamaan, waxaana ka mid ah, uguna muddan waxyaalaha aadamaha loogu talo galay inay isku daweeyaan diinta islaamka, taas oo uu Illaahay sheegay sida la isugu dawaynayo. Sidoo kalena waxa aadamaha la baray xirfad ay isku daweeyaan, taas oo ah inay aadamuhu samaystaan daawooyin ay isku daweeyaan iyo inay bartaan aqoontii ay daawooyinkaa isugu dawayn lahaayeen, waxaana dadka bartay ama yaqaan xirfadda daawaynta dadka loo yaqaan Dhakhaatiir. Dhakhaatiirtu waxay hadda ka jiraan dunida oo dhan, waxayna ka mid yihiin qaybaha ugu muhimsan bulshooyinka caalamku ku dhaqan, isla markaana waa laf-dhabarta mujtamac kasta oo meel ku dhaqan, iyadoo uu daryeelka caafimaadku ka mid yahay waxyaalaha ugu muhimsan ee aasaaska nolosha bulshada. Marka la eego waqtigan xaadirka ah dhammaan dawladaha caalamka ka jiraa waxay ka siman yihiin ilaalinta daryeelka caafimaadka iyo koontaroolka cudurrada aadamaha ku dhaca, iyadoo weliba dedaal joogta ah loogu jiro kor u qaadidda tayada caafimaad ee bulshada, isla markaana waxa dal kasta laga abuuray ama laga sameeyey goobo caafimaad oo loogu talo galay in dadka lagu daweeyo, meelahaas oo loo yaqaan cusbataallo, sidoo kalena dadka goobahaa ka hawl gala ama ka shaqeeya waxa loo yaqaan dhakhtaro. Dhakhaatiirtu meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxa loogu talo galay inay ka shaqeeyaan daryeelka caafimaadka dadkooda, isla markaana dhakhaatiirta ka shaqaysa goobaha caafimaadka guud ee bulshada dawladda ayaa laga rabaa inay siiso mushahar noloshooda kafaala-qaada, si ay iyaguna u kafaala-qaadaan daryeelka caafimaafka dadkooda. Sida aynu ognahay cudurradu way kala duwan yihiin, wayna tiro badan yihiin, sidaa darteed ayey dhakhaatiirtuna u kala duwan yihiin, taas oo marka laga yimaado magaca guud ee mihnadda dhakhtarnimada waxay u sii qaybsamaan qaybo fara badan oo uu mid waliba bartay nooc gaar ah oo ka mid ah aqoonta caafimaadka, taas oo macneheedu yahay inay dhakhaatiirta qaarba barteen ama ku takhasuseen daawaynta cudur ama cudurro gaar ah, waxaana aqoonta caynkaas ah loo yaqaan takhasus. Xirfadda caafimaadka ka sokow waxyaalaha ninka dhakhtarka ah lagu tababaro ama lagu beero waxa ka mid ah naxariis iyo dareen muxubo badan waayo ninka dhakhtarka ahi maadaama loogu talo galay inuu naf bini-aadan bad-baadiyo ama daryeelo waa inuu hoqdo qofka dadka ugu naxariista badan. Marka la eego dalka Somaliland iyo guud ahaan degaamada Somalida waxa ka dhacay burbur dhinacyo badan leh, taas oo ay qaybta caafimaafkuna ka mid tahay meelaha ugu burburka xun, hadii ay qalab tahay, hadii ay goobihii caafimaadka tahay iyo hadii ay dadkii xirfadda caafimaadka yiqiinay tahayba. Tusaale ahaan dhakhaatiir badan oo ka mid ah kuwii aqoonta caafimaad lahaa ayaa markii ay dagaaladu socdeen debedaha u baxay, taasina waxay keentay inay soo hadhaan dhakhaatiir aan tiradoodu badnayn, isla markaana waxa yaraatay tayadii aqoonta caafimaadku ama dhinac kale marka loo dhigo waxa la odhan karaaa waxa yaraaday dadkii aqoonta caafimaad lahaa, iyadoo dhinaca kalena beryahan dambe aad moodo inay soo bateen cudurrada iyo xaaladaha caafimaad daro ee dadku. Waxa kale oo taa wehelisa xaaladda dhaqaale ee dadka oo, iyaduna beryahan dambe aad u liidata, taas oo ay dadku u badan yihiin dad danyar ah oo aan awoodi karin inay baahiyahooda kaafiyaan, taas oo ay ugu wacan tahay shaqo la’aan badan oo jirta iyo burburka naafeeyey kaabayaashii dhaqaalaha. Sidaa darteed waxa mudooyinkan dambe isa soo taraya cabashada dadweynaha ee dhinaca adeegyada caafimaadka, taas oo ay dadku ka cabanayaan goobaha adeegyada caafimaadka iyo dhakhaatiirta laftoodaba… La soco qayb kale. ODHAAHDA AKHRISTAHA Gurmadka Degdega Ah IyoXidhiidhka Dadweynaha Ee Saldhigyada BooliskaMaqaalku wuxuu culayska saarayaa baahida loo qabo in saldhigyada booliska laga hirgaliyo unug maamul oo qaabilsan gurmadka degdega ah ee Ciidanka booliska kaga jawaabi karaan xidhiidhka telefoonka ee ay dadweynuhu ku codsadaan in laga badbaadiyo xadgudubayada kala duwan ee sababi kara amaan darrada. Gurmadka degdega ihi waa barnaamij ka jira adduunka oo ku saabsan xidhiidhka lambarka telefoonka ee (999) ee ka dhexeeya dadweynaha iyo saldhigyada booliska. Hase yeeshee, hawsha fulinta gurmadka degdega ahi waxay ku xidhan tahay dhowr arrimood oo kala ah:- 1. In saldhigyadu ay yeeshaan makhsinka hawlgalada (Operations Room) oo ay ku yaalaan telephoonada iyo Mobilka, Isgaadhsiinta Raadiyowga ee booliska, birmadka iyo laanta dhexe baadhista (C.I.D) islamarkaa uu mar walba ku sugan yahay Taliyaha saldhiga ee gurmadka degdega ah. 2. In saldhigu yeesho dhowr baabuur oo lagu fulin karo hawsha gurmadka degdega ah. 3. In shirkadaha Isgaadhsiinta ee Soltelco, STC, Telesom, iyo Eurolite lagu wargaliyo inay waajib ku tahay in khadadkooda telephoonada ee dhulka iyo mobilka ay ku daraan lambarka (999) ee booliska iyo in lala xidhiidhi karo kolka saldhigu kuu dhow oo qudha. 4. In dadka lagu wacyi galiyo inay soo garaacaan telephoonada saldhiga booliska marka ay la kulmaan dad ku lug leh ama faraha kula jira faldanbiyeedyo gaar ah sida. Ø Sakhraaniin Xaafadda aad degan tahay rabshaya. Ø Dhalinyaro wada dhaqdhaqaaqyo abuuraya nabadgelyo la’aan Ø Dad u muuqda inay faraha kula jiraan dhaqan xumooyin kala duwan Ø Haddii uu jiro khilaaf gacan ka hadal ah oo dhex yaal laba guri oo kula jaar ah. Ø Haddii aad ogtahay halka ay joogaan dad boolisku raadinayo. Barnaamijka gurmadka degdega ah wuxuu sida la doonayo u hirgali karaa marka si joogta ah loogu dhiirigaliyo dadweynaha inay booliska ay la soo xidhiidhaan mar walba oo ay arkaan cid ku lug leh faldanbiyeedyo nabadgelyada wax yeelaya. Waa in la abuuraa iskaashi ka dhaxeeya booliska iyo shicibka. C/Raxmaan Siciid Maxamuud. Doorka Saxaafaddu Ku Leedahay Horumarka SomalilandMarka laga hadlayo war-baahin waxa soo hoos gelaya dhammaan qaybaha kala duwan ee saxaafadda, sida: Joornaalada, idaacadaha maqalka (Raadyow), idaacadaha la iska arko (TV), Dhuumaha kale ee war-baahinta, sida, Inter-netka IWM., waxayna war-baahintu nooca ay doonto ha ahaatee u abuurran tahay inay dadkeeda iyo guud ahaan dadka caalamku ku dhaqan ka haqab-tirto wixii warar iyo dhacdooyin ah ee jira, gudo iyo debed-ba, iyaga oo wararka ka soo ururiya daafaha dunida. Laakiin taa macneheedu ma aha inay saxaafaddu wararka oo keliya faafiso ee waxa kale oo ay door weyn ka ciyaartaa noocyada kala duwan ee horumarka bulshada, taas oo ay si toos ah iyo si dad-ban intana uga qayb qaadato horumarka dadka iyo dalka, hadii ay tahay heer dal, heer gobol ama heer caalami intaba, waxayna saxaafaddu saamayn weyn ku leedahay waxyaalaha dunida ka dhacaya, iyadoo aynu odhan karno waqtigan xaadirka ah saxaafaddu waa isha keliya ee caalamku wax ka arko, taas oo ay saxaafaddu tahay meesha keliya ee lagala socdo dhacdooyinka iyo wararka dunida , sida: dagaalada, xaaladaha nabadgelyada, arimaha horumarka la xidhiidha IWM. Hadaba aynu eegno doorka ay saxaafadda Somaliland ka qaadan karto dedaalka aynu ugu jirno sidii aynu beesha caalamka uga heli lahayn aqoonsi iyo guud ahaanba horumarka dalka. Sida la ogyahay Somaliland waxay si tartiib-tartiib ah uga soo kabanaysaa diiftii iyo burburkii ka soo gaadhay dagaaladii taliskii Siyaad Barre iyo weliba dagaaladii sokeeye ee ka dambeeyey, laakiin waxaynu maraynaa heer lagu faani karo, waxaana wadanka ka hirgalay saxaafad kala duwan, hadii ay tahay Joornaalo iyo hadii ay tahay idaacadoba, waxayna saxaafadda Somaliland horumarka wadanka kaga jirtaa kaalin firfircoon. Sidaa darteed waxaanu dawladda Somaliland xusuusin lahayn inay ku dedaasho horumarinta saxaafadda, si ay awoodoodu ugu saamaxdo inay la tartamaan ama la jaan-qaadaan saxaafadda adduunka ee horumarka xawliga ah ku socota, sawirkooduna uga dhex-muuqdo muraayadda caalamka saxaafadda. Waxa kale oo uu horumarka saxaafadda Somaliland sawir fiican ka bixin lahaa ama tusaale fiican u noqon lahaa horumarka iyo haybadda Somaliland, waxaanuna si gaar ah farta ugu fiiqaynaa ama aanu si gaar ah ugu talinaynaa in horumarkooda looga shaqeeyo, qaybaha saxaafadda ee ku soo baxa afafka qalaad, joornaal iyo idaacad-ba, sida Ingiriisada iyo Carabiga si aynu awood ugu yeelano inay caalamku si joogta ah ula socdaan arimaheenna. Sidoo kale waxaanu farta ku fiiqaynaa idaacadda Raadyow Hargeysa oo aanu leenahay hala xoojiyo awoodeeda baahineed, isla markaana hala kordhiyo waqtiyada ama saacadaha ay baxaan luuqadaha qalaad, sida: Ingiriisida, Carabiga iyo Amxaariga, taas oo aanu ku talin lahayn in mid-kiiba saacad laga dhigo. Maxamed Cumar Cabdi ( Cirro ) iyo Maxamed Axmed Xuseen ( Max’ed Case ). Guddiga Doorashadu Miyaanay Ka Fiirsan Go’aankoodaAsal ahaan-ba waqtiyada qaarkood wadanku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo u baahan in lagu ilaaliyo taxader iyo feejignaan dheeraad ah. Waqtiyada qaarna waxa uu ku jiraa xaalad jimcoon. Marxaladaha xasaaasiga ah waxa ka mid ah xiliyada doorashooyinka, taas oo ay lagama maarmaan tahay in qaabka doorashadu u dhacayso lagu fadhiisiyo istaraatijiyad xaqiiq ku fadhida oo aan surma-seegto lahayn. Sidaa darteed markii aan maqlay doorashadu waxay Somaliland ka dhacaysaa bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa, taas oo ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinku ayaan door biday inaan ka hadlo, taas ayuuna ku salaysan yahay nuxurka maqaalkaygu. Xasan Shire Nin la odhan jirey ayaa yidhi “ Waabay geeraari. Cajeb!!” sidaa darteed dhawaaqa guddiga doorashooyinka waxaan u arkaa laab-lakac iyo go’aan lagu degdegay, taana ummaddu uma baahna, laakiin hadii aad guddiga doorashooyinka tihiin aan su’aal idin waydiiyee dalka aad u gudoomiseen inay doorasho ka dhacayso, ma Itoobiyaa, mise waa Jabuuti, mise waa Somaliland. Hadii uu Somaliland yahay dalka gudoonka doorashada loo gaadhayaa, miyaanay idiin muuqan arimaha faraha badan ee ummadda u muuqdaa, balse hadii aan farta ku fiiqo, waxyaalaha aniga ii muuqda ee u baahan in la fuliyo si ay doorasho suurta gal u noqoto waxa ka mid ah: In tiro koob lagu sameeyo dadka wadanka u dhashay, in maamulka wadanka la wada gaadhsiiyo iyo in dadka laajiyiinta ah ee dalka ka buuxa ee Itoobiyaan leh, ee reer-Baydhabo leh, ee reer-Xamar leh, ee somalida kililka 5aad leh, ee qaar kaloo badan leh loo sameeyo dariiq oo la kala cadeeyo muwaadiniinta iyo dadka laajiyiinta ah. Sidaa awgeed, guddiyey miyaan la odhan karin gudoonkiina degdeg baa ku jira. Waxa kale oo, iyana xusid mudan, iyadoo aan kalsooni lagu qabin sida loo calaamadiyey qaabka ay u dhacayso doorashada golayaasha degaanka iyo baarlamaankuba. Ummadda waxa keliya ee deeqaa waxa weeye cadaalad loo gudoomo ama lagu maamulo, taa hadii la waayana waxba ma jiraan, horena waa tii loo yidhi “Dad-qal looma gurguurto”, sidaa darteed ma aha in la iska indho tiro arimaha doorashada ka hor u baahan in wax laga qabto si ay ummaddu shaashadda doorashada uga daawato wax ay ku wada kalsoon tahay. Waxa jirey qaab aynu hore ugu soo caano-maalay, hadii ay tahay dhinaca nabadgelyada iyo hadii ay tahay nidaamka dawladeed ee aynu maanta isku maamulayno, laakiin hadii ay noqoto inaynu u guurno hanaanka xisbiyada badan ma aha in la isu gurguurto ee waa in arin walba la mariyo dariiqa ay leedahay, isla markaana waa in wax walba la wada yeesho, hadiise ay arintu noqoto aynu wax walba ka sinaysano halkee bay taasi u soconaysaa, meelse ma gaadhaysaa, anigu waxaan leeyahay “ Hargoolow haygu tumin durbaan madhan”. Ugu dambayn hadii aan inyar idhaahdo guddiga doorashooyinka, marka hore anigu shakhsiyan waan ka soo horjeeda shir-beeleed, aniga oo is leh taa waa laga soo gud-bay, laakiin waxaan arkaa ama ii muuqata qaabka aad wax u wadaan iyo sida aad waaqica runta ah indhaha uga lalinaysaan inay taasi keeni karo sabab soo dedejisa shir-beeleedka, hadii aad dariiqaa martaana waxaan u arkaa inuu yahay mid burburinaya wixii aynu soo kab-kabnay oo dhan, hadii ay tahay haykal dawladeed iyo hadii ay tahay abuuridda Qaranka Somaliland-ba, anaga oo leh dalka dhiig iyo dheecaan-ba waanu u daadinay oo ma jirto cid nooga lexejeclo badani, sidaa darteed waxaanu ku talinaynaa yaan lagu degdegin arimaha ee halaga fiirsado. Cabdi Cali Cilmi (Cali-Curi), Hargeysqa Waa Maxay Sababta Uu UXumaaday Xidhiidhka Somaliland Iyo Carabtu?Markasta oo aan la sheekaysto qof muwaadina ah oo Reer-Somaliland ah waxaan hadalkiisa ka dhadhansadaa cabasho ku saabsan dunida Carabt, taas oo ay leeyihiin maxay Carabtu sidaa foosha xun ugula dhaqmaysaa Somaliland iyo qadiyadeheeda.. Sida la ogyahay waxa jiri jirey xidhiidh ganacsi oo waqti fog ku sinnaa oo u dhexeeyay Somaliland iyo jasiiradda Carabta, taas oo ay qarniyo fog dad baayac-mushtar ah oo Carab ahi ka degeen xeebaha Somaliland , kana heleen qaniimad iyo dhaqaale aanay ka helin dalalkooda. Waxa kale oo jirta inay qabaa’ilka Reer-Somaliland dhammaantood aaminsan yihiin inay asal ahaan ka soo jeedaan Carab, iyadoo ay dadka Reer-Somaliland leeyihiin muuqaalo iyo dhaqamo Carbeed. Hase yeeshee xidhiidhadaa soo jireenka ah iyo dhaqamadaa ehel-wadaagta ah ee u dhexeeyey dadyowga labada dhinac, dadka Reer-Somaliland, kama ay helin wax shafeeco-qaad ah. Laakiin waxay iswaydiintu tahay maxaa sababay inuu xidhiidhkaasi xumaado, yaase keenay sababta ?. Inkasta oo aan ahay qof u dhashay Somaliland, haddana waxaan isku deyayaa inaan dhex-dhexaad ka noqdo faallada ku saabsan sababaha xumeeyey xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo ummadda Carbeed ee ku nool gacanka Carabta. Marka laga hadlayo ama la tilmaamayo sababaha xumeeyey xidhiidhka labada dhinac marka hore lama odhan karo waxa jirta cadaawad balaadhan oo u dhexaysay labada dhinac, laakiin hadii ay labada qoloba iska indhotiraan asbaabta xumaysay xidhiidhkooda oo ay isu garaabi waayaan waxay taasi keeni kartaa colaad iskeed u abuuranta. Marka la eego dhinaca Somaliland, waxaynu odhan karnaa Somaliland ilaa intii ay dib ula soo noqotay madax-banaanideeda way ku guul-daraysatay inay abuurto xidhiidh wanaagsan oo ay la yeelato dalalka gacanka Carabta, waayo waxay moodey inay mafaatiixda Ictiraafka hayaan dalalka dunida Reer-galbeedku, taas oo ay iska indho-tireen inay xidhiidho la sameeyaan walaalahooda Carbeed. Ta kale Somaliland marna uma ay ekeyn inay tahay dawlad ku socota ama ku dhaqmaysa khadadka iyo hanaanka siyaasadeed ee ay raacayaan dawladaha Carabtu, isla markaana mar qudha may taageerin qadiyadaha waaweyni ee dunida Carabta, taa ka sokowna inkasta oo aan xaqiiqdeeda lahayn waxay dawladaha Carabtu isla dhex-maraan inay Somaliland xidhiidh la leedahay Israa’iil, taas oo hadii ay tahay wax ay wax ka jireen ama ka jiraan ay dawladaha Carabtu guud ahaan, gaar ahaanna dawladaha Khaliijku u arkaan inay tahay arin xasaasi ah oo khatar ku ah xasiloonida iyo amaanka gobolka badda cas. Nasiib daro Somaliland badheedhe cad oo beenin ah iskama ay taagan wararka ku saabsan inuu jiro xidhiidh u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, isla markaana may kasban kalsoonida Carabta. Sidaa darteed ha jiro ama yaanu jirine waxa la rumaysan yahay inuu halkaa ka dhashay tuhun weyn oo ka mid ah sababaha xumeeyey xidhiidhka labada dhinac. Sidoo kale Somaliland kama ay faa’iidaysan cududda jaaliyadaha Reer-Somaliland ee Carabaha ku nool oo ay qaarkood dalalkaa ku leeyihiin awoodo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo meeqaan sare gaadhsiisan, taas oo ay hadii Somaliland isticmaasho jaaliyadaheeda dhulalka Carabta ku dhaqan ay wax badan oo faa’iido ah ku gaadhi lahayd. Waxa kale oo, iyana jira dad Somaliland u dhashay oo ku dhaqan Carabaha, lehna awoodo dhaqaale ama siyaasadeed, laakiin ka soo horjeeda qadiyadda madax-banaanida Somaliland, kuwaas oo saamayn ku yeellan kara horumarkii ay Somaliland ka samayn lahayd xidhiidhka Carabta. Sidaa awgeed arimahaa iyo arimo kale oo badaniba waxay sababeen inay Somaliland waydo doorkii ay dalalka Carabtu ka qaadan lahaayeen horumarka Somaliland iyo inay weliba dawladaha Carabtu dagaal dhinacyo badan leh ku qaadaan qadiyadda Somaliland. Hadii aynu eegno dhinaca Carabta, waxaynu marka hore odhan karnaa caadada Carbeed waxa ka mid ah inay soo baraarugaan marka ay dadku seexanayaan. Laakiin marka taa laga yimaado dawladaha Carabtu marna iskuma ay hawlin inay fahmaan qadiyadda Somaliland, waxaad-na moodaa inay u qaateen inay Somaliland ku fahmi karaan sheekooyinka ay uga sheekeeyaan odayaasha la joogaa, taas oo la odhan karo dawladaha Carabtu may fahmin inay Somaliland tahay albaabka laga geli karo nabadgelyada Somalida oo dhan, waxayna si badheedh ah uga soo horjeesteen Somaliland. Waxyaalaha dadka Reer-Somaliland calool-xumada ku beeray waxa ka mid ah xayiraadda ay dalalka Carabtu saareen dhoofka xoolaha nool, taas oo ay dalalka Carabtu sababta ay xoolaha u joojiyeen ku tilmaameen arin dhinaca caafimaadkooda la xidhiidha, laakiin dadka Reer-Somaliland waxay aaminsan yihiin in sababta xoolahooda loo xayiray ay tahay arin siyaasadeed, taas oo ay qabaan inay tahay cuna-qabatayn dhaqaale. Ta kale inta ay dawladaha Carabtu isku hawlayaan baadi-goobka kalsoonida Reer-galbeedka ayey lumiyeen ama ilaaween soo dhowayntii iyo xidhiidhkii walaalo badan oo ay dhiig iyo dhaqanba wadaagaan, sida Somaliland oo kale, iyadoo aanay dadka Reer-Somaliland dadyowga Carabta ka sugayn sadaqo yar oo ay u soo fidiyaan ama cid ugu soo dhiibaan, laakiin ay uga fadhiyaan inay ula mucaamilaan sidii dad walaalo ahi u mucaamili jireen iyo inay lacagaha faraha badan ee ay ku shubayaan bankgiyada Reer-galbeedka qaar ka mid ah u leexiyaan sidiiay horumarka Somaliland wax uga gelin lahaayeen. Masalan hadii ay tahay arin jirta inay Somaliland xidhiidh la samaysay Israa’iil, taasi waa mid ku timi feejignaan la’aanta iyo qaraabo goysnimada Carabta, taas oo ay Carabtu ka gaabisay inay soo dhowayso iskaashina la samayso dadka walaaleheeda ee Reer-Somaliland iyo Cidii kaleba. Ugu dambayn waxaan dadka Reer-Somaliland u soo jeedinayaa in xataa hadii ay dhinacooda ka waayaan ay, iyagu ka shaqeeyaan wanaajinta xidhiidhka labada dhinac, taas oo aan ka rajaynayo inay qadiyadooda si wanaagsan ugu bandhigaan dunida Carabta. Dhinaca kalena dawladaha Carabta waxaan xusuusin lahaa inay iska ilaawaan aragtidooda ah inay Somaliland tahay gobol ama laba gobol oo diidan midnimada Somali-weyn, taas oo dunida Carabta looga baahan yahay inay fahmaan qadiyadda Somaliland iyo dhibaatooyinkii loo geystay ee ku kelifay inay madax-banaanidooda dib ula soo noqdaan, isla markaana ay dunida Carabtu fahamto inaanay Somaliland ahayn gobol ama dhawr gobol oo Somali-weyn ka go’ay, laakiin ay hore u ahayd dal madax-banaan oo la midoobay dal kale oo la odhan jirey Somaliya. Hadal iyo dhammaan waxaan ka war-sugi doonaa riyadayda ah inaan mar uun arki doono xidhiidh wanaagsan oo u dhexeeya Somaliland iyo dunida Carabta, gaar ahaan gacanka Carabta. Axmed Iid Obsiiye (Catooshe), HargeysaWAADIGA CIYAARAHA Saleebaan Gurey Toddobaadkan Maxaa Ku Cusub Sayladda Ciyaaraha Yurub? Waxaa fur-furmaya Cakirnaantii Iibka Xiddigaha Caanka ah Toddobaado badan oo ay cakirnayd sayladda iibka ciyaaraha Yurub, kadib waxaa soo muuda yididiilo hor leh oo ka bidhaamaysa qaar ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub qaarkood. Ciyaaryahanka Rivaldo ayaa hoos u soo debcay toddobaadkana ku biiray kooxda AC Milan, waxaana lagu soo xero-geliyay heshiis saddex sannadood ah oo ka ugu horreeya lagu kharash gareeyay 12 milyan oo gini. Lacagtaa waxaa ka mid ah 4.5 milyan oo gini, oo aan canshuurtu ku jirin oo Rivaldo mushahaar u qaadanayo 3.5 milyan gini, oo ah heshiiska canshuurta oo laga daayay iyo 3.5 milyan oo ku dhacday khasnada wakiilkiisa. Intaa waxaa dheer, waxoogaa kharash ah oo uu ku iibsanayo guri iyo laba gaadhi oo uu isku bed-beddesho. Qiimaha loo dhigay xiddiga Brazil waxay noqotay mid lagaga soo jiito dhammaan kooxihii hunguraynayay. Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxay dhinaca Isbaanishka ayaa sheegaya in Real Madrid ka dalbatay inuu muddo yar sugo, si ay ugu hesho kharashkii ay ku bixin lahayd soo xero-gelintiisa, balse ay AC Milan kaga adkaatay. Guddoomiyaha Real Madrid, ayaa caddeeyay inaanay wax heshiis ah kala gelin Barcelona iibka ciyaartoyga ay tuureen. “Ma waxay moodayeen No.9 ciyaartoyga labadii kulanba goolka ka dhalin jiray ciyaaraha Isbaanishka,” sidaa waxa yidhi Perez oo ka hadlaya qiimaha Rivaldo ugu fadhiyay Barcelona. Ciyaartoyga Roberto Carlos oo ay xulka Brazil ku wada jiraan Rivaldo ayaa isna qiray in Perez farriin u faray saaxiibkii, taas oo uu kaga codsanayo inuu muddo yar u samro. Inkasta oo Guddoomiyaha Real Madrid ammaanay Rivaldo, haddana wuxuu tilmaamay inay uga baahi badan yihiin difaaca dhexda ee ka midka ahaa raggii Brazil koobka adduunka u qaaday Edmilson oo haddana miiska u saaran siday u soo iibsan lahaayeen. Damaca ugu weyni waa sidii ay uga faramaroorin lahaayeen kooxda qiimaynta weyn siisay, kadib markii uu ku guulaystay koobka adduunka. “Waxaa aad loola dhacay wacdarihii uu dhigay kulankii Costa Rica. Olympique Lyon waxaa hadda loo gaadhsiiyay 19 milyan oo gini. Waana ciyaartoy u qalma inuu tago kooxda caasimadda Spain ka dhisan. Tabobaraha Barcelona oo ay ku filaatay hayaanka Rivaldo ayuu hadda werwer ku soo kordhayaa, kadib markuu waayay cid uu ku meeleeyo difaaca bidix oo uu ka tegay Sergi oo muddo dheer ka ciyaari jiray, isla markaana uu ka fan-jeediday Francesco Coco oo amaah ku joogay, Van Gaal-na hadda waxaa la gudboon laba tallaabo oo dhakhsasho u baahan. Ta hore waa ciyaartoyga Bayer Leverkusen ee Diego Placente. Barcelona waxay ku talo-jirtaa hanashada ciyaaryahanka, inkasta oo ay danaynayaan Juventus iyo Real Madrid. Caqabada hortaala Van Gaal waxay noqotay markii lix milyan oo lacagta Yurub ah lagu baayacay, taas oo dhibaato ku noqotay. Sidoo kale, waxay xaalad taa la mid ah kala kulmeen wadahadalka hadda loogu jiro ninka kooxdu muddada dheer daba socotay ee Juan Fran, oo hadda u ciyaara Celta Vigo. Van Gaal waxaa la gudboon inuu labada dalab ka jibo keeno labada bilood ee ka horreeya bilowga xilli-ciyaareedka, taas oo keenaysa inuu kor u qaado niyadda ubaxa Barcelona. Waxa kale oo la gudboon inuu helo ciddii uu ku beddelan lahaa ciyaaartoyga uu waayay kahor inta aanu xidhmin albaabka sayladda iibku dhammaadka bisha August. Leeds United oo harreeraysay kubadda cagta Ingiriiska maalmihii ugu dambeeyay ee tegay markay laacg xad-dhaaf ah ku heleen Rio Ferdinand. Kooxdu waxay u tafo-xaydatay inay hesho difaaca wanaagsan ee Jaap Stam, oo isaguna ku qanacsan inuu Talyaaniga ku negaado. Roque Junior ayaa isna qarka u saaran inuu Parma iyo Real midkood u wareego. Tabobaraha Sunderland, Peter Reid ayaa isna ku hamiyaya weeraryahanka Chelsea ee Eidur Gudjohnsen, inuu u buuxiyo kaalinta Kevin Phillips, oo la filayo inu u doog-raaco rabitaanka Glenn Hoddle. Reid, wuxuu diyaar la yahay 11 milyan oo gini inuu ku kaxaysto Gudjohnsen. Dhinaca kale, tabobaraha Arsenal ayaa diyaarinaya weerar uu ku qaado Jean Micoud. Ciyaatoyga Parma waxaa u diyaar ah ilaa 5 milyan oo gini. Hase yeeshee, uma hadal la’a oo waxaa isna dacalka haysta tabobaraha Westham oo isna danaynaya Micoud. Wenger, oo isagu dhowaan ku guulaystay Gilberto Silva, wuxuu doonayaa inuu ku lamaaneeyo Micoud, maadaama uu ka dhaawacmay Robert Pires. Roeder, maamulaha Westham wuxuu door-bidi lahaa inuu amaah ku helo 29-jirka Faransiiska ah. Hadduu ku guul-daraysto wuxuu maanka ku hayaa ciyaartoyga Turkiga ah, Okan Buruk. Inkasta oo uu ka mid ahaa xulka Turkiga misna cag ma saarin koobka adduunka, sababta oo ah wuxuu awoodi waayay inuu itaalkiisa ka muujiyo Inter oo kursiga kaydka ku fadhiisisay. Inter iyo Lazio labaduba waxay ku guul-daraysteen in helitaanka difaaca Turkiga ee Alpay oo weilba u heelan Inter inuu ku biiro, tabobaraha Aston Villa Graham Taylo, ayaa hortaagan 29-jirka lagu daray xiddigaha difaaca dunida ugu fiican. Xiddiga kale ee koobka adduuna ayaa isna la dhawrayaa inuu Yurub yimaado, Brazil-liga khadka dhexe Kleberson wuxuu doonayay Barcelona, balse hadda wuxuu u baydhay Real Madrid ama Manchester midkood. 23-jirka firfircooni wuxuu aad u jeclaa inuu ka barbar safto Rivaldo, kahor intaanu Barcelona ka tegin, haddase waxaa dhici karta inuu Manchester tago, lamana oga in Real qaadan doonto sabab dhaqaale darteed. Veron Oo Qiray In Manchester Ku Nujubtay Manchester – England (Reuters) – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Argentine Juan Sebastian Veron ayaa qiray inuu sannadkii u horreeyay Manchester kala kulmay haligan. Veron wuxuu sheegay inuu Old Trafford tacabkiisii ku ba’ay. Veron oo 28.1 milyan oo gini Lazio lagag soo iibsaday wuxuu ku guuldaraystay inuu wacdarihii looga bartay ku soo bandhigo shayaadiinta cas-cas, waxayna fara-madhan kala huleeshay inay difaacato koobka ay hore u sidatay. Hungo koob la’aan ah markay ku dhammaysatay koobka horyaalka dalka, Veron dhinaca qarankiisa ayay mashaqo kale kaga timi, kadib markii wadankiisu ku hadhay wareegii koowaad ee koobka adduunka. “Labadaa dhacdo midba mida kale way ka xumayd,” sidaa waxa wargeyska Sun Newspaper u sheegay Veron oo ka murugaysan qaladdii sannadkan la kulantay. Hase yeeshee, Veron wuxuu sheegay inuu dib isu abaabulayo, wuxuuna yidhi; “Waxaan rabaa inaan ku bilaabo sidaan u ciyaaray 10-kii kulan ee ugu horreeyay xilli-ciyaareedkii tegay, kadibna aan sannadka oo dhan halkaa ka sii wadaa.” Veron inkasta oo uu rajo fiican ka filayo xilliga, haddana warar ku tidhi ku teen ah ayaa sheegaya inuu weli ku hamiyayo inuu kooxdan ka tago. Kooxdiisii hore ee Lazio ayaa toddobaadkii hore sheegtay inay weli u gacan-haadinayso oo ay diyaar u tahay inay ku beddelato Hernan Crespo. Hase yeeshee, Veron wuxuu soo dhoweeyay ku soo biirada kooxda ee Rio Ferdinand oo ay 30 milyan oo gini ku soo iibsatay, wuxuuna ku tilmaamay nin tayo sare iyo awood ciyaareed leh, sannadkan-na wax weyn ku soo kordhinaya kubadda kooxdu ciyaarayso. Veron, oo ka mid ah xiddigaha sida weyn isha loogu hayay kahor koobkii adduunka wuxuu aaminsan yahay in Manchester ku nujubtay sannadkiisii ugu horreeyay ee uu ku soo biiro. Steven Gerrard Oo Dhaawac Kale Ku Habsaday England (Reuters) – Ciyaartoyga khadka dhexe ee Liverpool Steven Gerrard ayaa la il-daran dhaawac kale oo ku habsaday, sidaa waxaa lagu xaq;iijiyay qashaafad (X-Ray) soo handhigtay dhibta cusub. 22-jirka Liverpool oo inyar uun ka sokeeyay qalliin dhowaan lagag sameeyay dhaawac ka soo gaadhay kulankii ugu dambeeyay horyaalka England, kaas oo ka reebay ka qaybgalkii koobka adduunka. Tabobarhaa Anfield, Gerard Houllier ayaa dersaya maxsuulka baadhitaanka, iyada oo la soo dedejin doono heshiiskii Senegaliga Salif Diao, haddi uu ka soo rayn waayo dhaawaca ciyaartoyga gaadhay. “Go;aanka waxaanu yeelayno waxaanu ku dhaqaaqaynaa markaanu jawaabta ogaano,” ayuu yidhi Houllier. “Haddii xaalku ka soo rayn waayo waxaanu dalbanaynaa Salif Diao goor horeba,” ayuu ku daray. Gerrard wuxuu Liverpool xilli-ciyaareedkii u dambeeyay u ciyaaray 45 kulan, wuxuuna ku bilaabay firfircooni dheeraad ah oo la odhan karayo wuxuu ku tartamay tayadiisii ugu saraysay. Hase yeeshee, xiddiga caalamiga ah ee England, waxaa ku soo korodhay dhibaato cusub kadib markii uu cawarmay maalintii ugu dambaysay ciyaaraha England. Gerrard wuxu debedda ka joogayaa ciyaaro saaxiibtinimo oo kooxdu isku tijaabinayso maalmaha soo socda. |