Haatuf, Cadadki 133, Aug.9, 2002

Waa Maxay Farriinta Ay

Sidaan Weftiga Reer Muqdisho?

Kulankii shalay (Weftiga iyo Xubno Wasiiro ah) iyo Gabashada Xukuumadda

Hargeysa (Haatuf): Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Somaliland, ayaa shalay ku qaabilay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wefti lix xubnood ka kooban oo ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo Arbacadii socdaal ku yimi magaalada Hargeysa, isla markaana waxay halkaas ku yeesheen labada dhinac kulan muddo kooban socday.

Weftigan oo uu xubin ka yahay nin dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer, waa markii labaad ee ay socdaal ku yimaadaan dalka, waxaanay safarkii kan ka horeeyay ku yimaadeen magaalada Hargeysa horaantii bishii May 2002, wakhtigaas oo qasdiga socdaalkoodu ahaa mid ku saabsanaa ka qayb-galka tacsidii Madaxweynihii hore ee Somaliland ee geeriyooday, Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilligaa lagu hawlannaa. Hase yeeshee Weftigu, wuxuu kulamo la yeeshay wakhtigaas masuuliyiin golayaasha Qaranka ka tirsan iyo odayaal, isla markaana wuxuu socodkoodii u muuqday inuu isu bedelay mid Siyaasadeed. Safarkoodaa hore intii aanay magaalada Hargeysa ka amba-bixin, wuxuu Xuseen X. Bood ku sheegay waraysi uu siiyay Haatuf, weftigiisa iyo Madaxda ay la kulmeen ee dawladda Somaliland in ay ku kala tageen ballan, isla markaana uu weftigiisu ka hawl-gelayo magaalada Muqdisho, si ay ugu gudbiyaan dadka deegaanka wixii ay isla qaateen labada dhinac.

Weftigu Safarkoodaa hore markii ay ku laabteen magaalada Muqdisho-na, wuxuu Dr. Xuseen X. Bood u sheegay Warbaahinta in socdaalkoodii Somaliland ahaa mid is-afgarasho iyo guul ku dhammaaday, waxaanu xusay in si weyn loo soo dhaweeyay.

Intaas ka sokow, socdaalkaa hore ee weftigani ku yimaadeen Somaliland, waxaa ka hadlay C/qaasim Salaad Xasan, waxaanu waraysi uu bixiyay kadib markii weftigu laabtay uu ku muujiyay in Socdaalka weftigu ahaa mid Maamulkiisu wax ku lahaa, isla markaana wuxuu xusay wufuud kale oo reer Koonfureed ah oo iyana safaro ku yimi Hargeysa, kuwaas oo uu dhammaantoodba ku tilmaamay in ay dhabaha u xaadhayaan is-faham. Hase yeeshee, xubno weftiga u hadlay safarkoodaa hore, ayaa iyagu ku cel-celiyay in aanu weftigoodu ka soconin koox iyo ururtoona.

Socdaalkan labaad ee rogaal-celiska ah ee ay Hargeysa ku yimaadeen, wuxuu hoggaamiyaha Weftigu Dr. Bood ku macneeyay inuu yahay mid ujeeddadiisu ku qotonto, sidii ay dawladda Somaliland uga wada-hadli lahaayeen in la iskaashado, laysuna soo dhawaado.

“Anagu iska tegi mayno Somaliland ee waxaanu ogolaansho ka haysanaa Xukuumadda Somaliland, isla markaana ujeeddada socdaalkayagu waa sidii aanu ugala soo hadli lahayn Masuuliyiinta sare ee Somaliland, in iskaashi dhexmaro, laysuna soo dhaweeyo labada bulsho xaallad kasta oo jirtaba.” Sidaa waxa laga soo weriyay Dr. Xuseen Bood, mar uu saxaafadda la hadlay ka hor intii aanay isaga iyo weftigiisu ka soo amba-bixin magaalada Muqdisho. Isaga arrintaas ka sii hadlaya, wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “Socdaalkayagii hore ee Somaliland, wuxuu ahaa in aanu arrimo badan ka hadalno, balse markii aanu ku soo laabanay Muqdisho, anagga oo fariin ka sidna magaalada Hargeysa, si weyn baa naloo soo dhaweeyay, taageerana waxaanu kaga helay bulshada iyo kooxaha jira. Sidaa daraadeed ayaanu anaga oo weliba haysana taageeradii iyo kalsoonida shacabka Muqdisho.”

Siduu warku sheegay Dr. Bood, wuxuu carabka ku dhuftay in weftigiisu yihiin odayaal iskood isu abaabulay oo aan wax gacan-saar ah la lahayn urur iyo koox toona. Waxaanu tibaaxay in arrimaha ugu muhiimsan ee ay hadda isu abaabuleen ay yihiin wax ka qabashada dhibaatooyinka hadda Koonfur ka taagan, ka hor inta aan loo gudbin Somaliland ayuu yidhi.

Inkasta oo uu Dr. Bood sheegay in aanay ka soconin urur iyo koox toona, haddana mar kale ayaa C/qaasim muujiyay in Maamulkiisu lug ku leeyahay weftigan iyo socdaalkiisa Hargeysa, waxaanu arrintaas ku xusay siday wararku sheegeen shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho dhawaan.

Dhanka kale, siday sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo ka soo yeedhay illo xog-ogaal ahi, Dr. Xuseen X. Bood, wuxuu Guddoomiye ka yahay Guddi lagu magacaabo “Guddiga Dib-u-heshiisiinta iyo turxaan-bixinta Qaranka Soomaaliyeed,” kaas oo uu C/qaasim ku dhawaaqay dhismihiisa sannadkii hore ee 2001. Guddigaas oo xubnihiisu gaadhayeen ilaa 9-xubnood, waxaa markii hore guddoomiye looga dhigay C/risaaq X. Xuseen oo mar Ra’iisal-wasare ka ahaan jiray Jamhuuriyaddii hore ee Soomaaliya, haddana ku nool dalka Maraykanka. Hase ahaatee, wuu is-casilay, sababta uu dib ugu faagtayna wuxuu ku sheegay khaladaad ka yimi dhinaca Maamulka C/qaasim. Sidoo kale, laba xubnood oo Somaliland u dhashay oo uu C/qaasim guddigaa hore ugu daray, ayaa iyana la sheegay in ay iska casileen. Sidaa aawadeedna, waxay wararku sheegeen in dhacdooyinkaa kadib uu C/qaasim horraantii sannadkan, si aan kor loogu dhawaaqin oo aan la shaacinin uu ugu dhiibay Guddoomiye-nimada guddigaas Xuseen X. Bood oo ay wararku sheegeen inuu markii horeba xubin ka ahaa. Laakiin, ma jiro wax war ah oo arrintaas la xidhiidha oo ka soo baxay dhinaca Dr. Bood iyo weftigiisa.

Dhacdooyinkaa hore ka sokow, weftiga Dr. Xuseen Bood, waxaa kulankii u horeeyay shalay gelinkii hore ku qaabilay xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, waxaanay labada dhinac wada-hadal ku yeesheen xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Kulankaas kadib, mar aanu la xidhiidhnay Dr. Xuseen Bood oo aanu wax ka weydiinay wada-hadalkaas, wuu ka cudur-daartay inuu wax sharaxaad ah ka bixiyo amuurtaas.

“Diyaar uma ihi imika in aan saxaafadda war siiyo, mar kale mooyee,” ayuu yidhi Dr. Bood, isagoo ka cudur-daaranaya in wax laga weydiiyo socdalkooda, mar ay weriyayaal Haatuf ka tirsan kulankaa kadib, kula kulmeen Hotel-ka Hargeysa Club oo ay deggan yihiin.

Dhinaca kale, Xubnaha Wasiiradda ee kulankaas ka qayb-galay oo kala ah; Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Cabdillaahi-Cadde, Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Kalluumaysiga Axmed Xuseen Oomane, qaar ka mid ah oo aanu la kulanay, ayaa iyana ka war-wareegay in ay faahfaahin ka bixiyaan. Hase yeeshee, siday sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay illo xog-ogaal ahi, xubnaha weftigu waxay sheegeen in safarkoodii hore farriin ay Hargeysa ka qaadeen ay u gudbiyeen reer Muqdisho, haddana ay sidaan jawaab arrintaa la xidhiidha. Warku wuxuu intaa ku daray in ay la kulmayaan masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo odayaal Shacbiga ka mid ah oo ay safarkoodii hore wada-xaajoodyo yeesheen. Ilaa hadda lama ogga, xaqiiqada dhabta ah ee la xidhiidha moosinkan, guud ahaan iyo gaar ahaan waxyaabihii lagaga wada-hadlay kulankii shalay, mana cadda in Madaxweyne Rayaale la kulmi doono weftiga. Balse, siday wararku sheegeen weftigu waxay ku yimaadeen Hargeysa, ogolaansho iyo martiqaad ay ka helleen dawladda.

Iska Indho-Tirka Qadiyadda

Somaliland Ee Siyaasiyiinta Soomaaliya, Ma Quudhsibaa, Mise Waa Xaasidnimo?

Faallo – Cumar Daahir Cumar

 

Toban (10) sanadood iyo wax la jira ayaa dagaalo ka socdeen inta badan miyi iyo magaalaba dalka Somaliland sanadihii 1981-1991, dagaaladaasi oo ay xukuumadii Barre adeegsatay hub nooc kastaba, diyaarado, madaafiic, taangiyo, gantaalo, bamam, miino, iyo qoryaha calculus, kuna burburiyay magaalooyinka, iyadoo gaadmo iyo badhaadhba ay iskaga horyimaadeen xaq u dirirkii SNM iyo xukuumadii Siyaad Barre ayaa ugu danbeyntii wuxuu ku soo gabogaboobay horaantii sanadkii 1991kii in ciidamadii u daacadda u ahaa xukuumadii Siyaad Barre laga saaro dalka.

Hirdankaasi sanadkii 1991 horaantiisii ay iskaga horyimaadeen dagaalyahaniintii ururka SNM iyo ciidamadii Bare, wuxuu ahaa quusintii ugu danbeysay ee maamulkii Soomaaliya xukunkiisii Somaliland xadhkaha looga jaray. Markaas waxaa cad in gobanimada iyo Gooni Isu taaga ayla soo noqotay Somaliland sanadkii 1991kii aanu ahayn hadiyad ee yahay mid loo huray maal, dhiig, iyo hanti wixii ay lahaayeen aqlibiyada dadkii degannaa Somaliland.

Halka marka laga reebo Gobalada kale ee Soomaaliya, xataa Muqdisho oo kaliya ay awoodi waayeen siyaasiyiinta Soomaaliya inay maamul u dhisaan iyagoo weliba helay caawimo Caalamiya oo Bilyanis doollar ah, ciidamo shisheeyo oo tegay iyo dunida oo xili u heelanayd wax lagu dhiso Soomaalihya, laakiin taasi ay ku soo gabagabowday dil iyo dhiig kale oo sii kordhay. Arrintan waxaa iyana qayb ka ah sida siyaasiyiinta reer Soomaaliya u qirayaan in Somaliland iyo Soomaaliya ay ahaayeen laba dal oo isu yimid 1960kii.

Arrimahaasi oo dhan iyadoo cad yihiin marka laga hadlayo arrimaha dowladnimada Somaliland iyo Soomaaliya oo aanay faraha waxba ugu jirin 11sanadood ka dib maamulkii dhexe ee midayn jiray labada dal, waxaa caada u noqotay siyaasiyiinta u dhashay Soomaaliya ee kari waayay inay nabadgelyo iyo nidaam maamul ka dhisaan magaalooyinkii iyo gobaladii ay u dhasheen oo ay haddana ku dhiiran yihiin in ay diidmo ka muujiyaan nidaamka iyo maamulka dowladnimo ee ka hanaqaaday Somaliland oo ah mid muuqda, jira, shaqeeya, faa’iido wax ku ool ahna u leh dadka u dhashay Somaliland, Soomaalida kale, Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan deganaashaha dunida.

Haddaba waxaa isweydiin leh, siyaasiyiinta u dhashay Muqdisho iyo meelaha kale ee Soomaaliya dhaqankoodan ay iskaga indho tirayaan jiritaanka Somaliland ma ka xaasidnimaa mise waa ka quudhsi ah ma tashan kartaan reer Somaliland.

Hooyo Mataanaysay 3-Carruur Ah

Oo Waayo-Adag Oo Nololleed Ku Sugan

Waxay u baahan tahay gurmad lagu badbaadiyo nolosha iyada iyo carruurteeda

Hargeysa (Haatuf): “Waxa dhulka ka xigtey gogol weyd ah oo aan ka badnayn hal qadiifad iyo dhawr maro ayeyna dusha kaga fadhidey, dhabteedana waxa saarnaa saddex caruur ah oo mataano ah, waxayna hoosta kaga jirtey maqsin yar oo sandaqad ah oo aan xataa lahayn siliigga hoosta lagaga xidho dedka sare ee jiin-gadda si uu uga xijaabo kulaylka cad-ceedda, laakiin arinta ugu naxdinta badani waxa weeye diifta ba’an ee dusheeda ka muuqata” taasi waxay weeye hooyo, Faadumo Cawed Axmed oo habeenimadii Arbacadu soo gelaysay ee Julay 6, 2002, saddex caruur ah oo mataano ah (Laba gabdhood iyo wiil) ku dhashay gurigeeda oo ku yaal xaafadaha koon-fur-galbeed ee magaalada Hargeysa.

Weriye ka tirsan Haatuf ayaa hooyadaa gurigeeda ku booqday, wuxuuna ku tilmaamay hooyo ku sugan duruuf adag oo nololeed, laakiin duruuftu ma aha mid la kowsatay umusheeda ee waxa weeye hooyo ku umushay xaalad naxdin leh, taas oo hore ugu dayacantay uurka dhaqaale xummi awgeed.

“Markii la cabiray xaddiga dhiigeedu waxa uu noqday 4 kg, taasina waxay noqotay argagax, waayo qofka hadii uu miisaanka dhiigiisu ka hoos maro 7 kg xaaladiisu waa halis.” Sidaa waxa yidhi nin dhakhtar ah oo ka mid ah niman dhakhaatiir ah oo waxoogaa gurmad ah u sameeyey hooyo Faadumo si ay nafteeda u bad-baadiyaan, kadib markii ay arkeen xaaladda adag ee ay ku umushay, “Bal ka warran afartii kilo ee dhiigga ee qofka qudha ay xaaladiisu halista ahayd, hadii ay afar qof kala qaybsadaan oo ay qof iyo kiiloo noqoto” ayuu yidhi dhakhtarku.

Aqalka sandaqadda yar ah ee hooyo Faadumo, waxa uu ku yaal xaafadda buul-cawsyada u badan ee ku taal duleedka kaamboolka garoonka kubadda cagta ee xaafadda Axmed-Dhagax, wuxuuna qoyska hooyo Faadumo ka mid yahay qoysaska dan-yarta ah ee qaxootiyada dhowaan soo guryo noqday.

“Abaara 1:00 habeenimo ayey foolatay, laakiin baabuur aan dhakhtar ku geeyo ayaan waayey, sidaa darteed abaaro 4:00 habeenimo ayey gurigeeda ku dhex umushay” sidaa waxa yidhi Faadumo saygeeda, C/risaaq Saleebaan Maxamed, laakiin xiliga xun ee saq-badhka ah ee ay ku soo beegantay foosha marwo: Faaadumo waxa sii dheer duruuf dhaqaale, taas oo sababtay inuu C/risaaq awoodi kari-waayo inuu marwadiisa ku foolatay dhakhtar ula cararo, “ goortu goor xun oo habeen badh ah ayey ahayd, xaafaduna waa meel iska go’doon ah” ayuu yidhi, C/risaaq Saleebaan, laakiin C/risaaq, inkasta oo uu u ekaa dadka calool-adayga weheshada ee calaacal-koodu yar yahay, haddana duruuftu isma qariso, “Koleyba duruufi way jirtaa, hadii aanay nimankaa dhakhaatiirta ahi ii gurmana umusha iyo caruurtuba halis bay ahaayeen,” ayuu yidhi C/risaaq, isaga oo ka waramayey sababaha ay suurtagal ugu noqon waydey inuu marwadiisa dhakhtar ula cararo. Laakiin Somalidu hore ayey u tidhi “War dhafoor buu ku yaal,” sidaa darteed qof kasta oo dul taga qoyskaas markiiba si fiican buu u akhriyayaa xaaladda adag ee ay waqtigan xaadirka ah ku sugan yihiin.

Sida uu sheegay saygeeda, C/risaaq Saleebaan, Marwo: Faadumo waxay dhashay toddoba caruur ah oo hore, laakiin waa markii ugu horaysay nolosheeda ee ay dhasho wax qof ka badan.  “Toddoba caruur ah, saddex dhintay iyo afar nool ayey dhashay oo mar qudha ma dhalin wax qof ka badan” ayuu yidhi, C/risaaq Saleebaan.

Jeeb madhnaanta iyo duruufta dhaqaale ee haysata C/risaaq Saleebaan waxa tusaale fiican u ah muddo saddex bilood ku dhow oo ay marwadiisa umushay dhul yaal ahayd inuu awoodi kari-waayo inuu dhakhtar geeyo, “ ilaa laba bilood iyo badh ayey tabcaan ahayd oo aanay kicin” ayuu yidhi C/risaaq, iyadoo ay sababtuna ahayd culayska saddexda caruur ah ee uurkeeda ku jira, laakiin culayska ka sokow hooyo Faadumo waxay la dhul-dhacday xaalad nafaqo daro oo ku habsatay, taasina waa ta keentay inuu miisaanka dhiigeedu hoos u gaadho 4kg, taas oo ay dhakhaatiirtu ku tilmaameen xaalad nololeed oo argagax leh.

“Markiiba si degdeg ah ayaanu dhiig ugu shubnay, laakiin weli waxay u baahan tahay dhiig kale” sidaa waxa yidhi, dhakhtar Saleebaan Cabdi Guuleed oo ka mid ah dhakhaatiirta u gurmatay hooyada umusha ah, laakiin dhakhtar, Saleebaan wuxuu intaa ku daray “Waa in dhiigeeda la gaadhsiiyo ilaa 8 kg oo intii hore loogu shubay mooyaane dhiig kale loo shuba, intaa wixii ka dambeeyana waxay u baahan tahay cuntooyin nafaqo leh”.

Hooyo Faadumo, inkasta oo ay duruuf adag oo nololeed ku umushay, welina ku sugan tahay, haddana naxariista badan iyo beer-nugaylka hooyanimo ayaa ilowsiiyey halista ay nafteedu ku sugan tahay, sidaa darteed waxay ku foorartaa saddexdeeda caruur ah oo inta ay dhabteeda saftay marba mid naaska ku duwaysaa, laakiin waxay ugu darran tahay marka ay saddexduba hal mar dhawaaq kulul ku dhuftaan ee yidhaahdaan “Hooyooy gaajo weynaa”, maxay yeeshaa, xagee bay naas saddexaad ka keenaysaa, balse ugu horayn waxa loo baahan yahay in hooyada gacan la siiyo si ay uga kabato diifta iyo nafaqa darada ku habsatay, kadibna si ay ugu babac-dhigi karto koriimada caruurteeda. Hase yeeshee sheekadu ma hawl yara, waayo waxa is-barbar jiifa afar qof oo aan is itaal dhaamin, laakiin arinta wer-werka lihi waxay tahay aabe C/risaaq oo uu waajibku yahay inuu daboolo baahida culus ee reer-kiisa ku soo korodhay ayaa ah nin duruuf dhaqaale laba diblaysay oo aan u babac dhigi karayn xaaladda adag ee meesha taal, waxaana wejigiisa ka muuqday wer-wer badan, sidaa darteed hadii aanay hooyo Faadumo iyo saddexdeeda cunug helin wax caawimo ah xaaladoodu waa mid wer-wer leh.

Saddexda caruur ah ee ay hooyo Faadumo Cawed mataanaysay waxay caruurteeda ku noqdeen toddoba caruur ah, taas oo ay hore u haysatay afar caruur ah, taas oo muujinaysa inay awel-ba ahaayeen reer xaas ah oo dan yar ah, mar hadii ay sidaa tahayna qoyskani waxa uu u baahan yahay caawimo degdeg ah si ay hooyada iyo saddexda caruur ahi u bad-baadaan. Illaah baa wax bad-baadsha’e, laakiin wer-werka muuqdaa waxa uu yahay cabsi laga qabo inay umusha iyo saddexda mataan u le’daan nafaqo daro iyo cunto la’aan.  Sidaa awgeed waxa dawlad iyo dadweyneba ku waajib ah inay ka damqadaan xaaladda naxdin leh ee qoyskaa, loona fidiyo caawimo degdeg ah si ay suurta gal ugu noqoto inay ka samatabaxaan halista duruufaha nololeed ee garba-duubka u haya.

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Xagaaftay Buulasha Diyo Qashinka Faras-Magaalaha

Hargeysa (Haatuf): Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa shalay fulisay hawl-gal ay ku xagaafayso qashinka magaalada dhex-yaal, isla markaana waxay dawladda hoose hawl-galkeedaa ku xagaaftay buul-cawsyo iyo san-daqado yar-yar oo ku yaalay wadooyinka iyo meelaha faras-magaalaha ah ee suuqyada magaalada, iyadoo ay buulasha iyo san-daqadaha la xagaafay ahaayeen meherado yar-yar oo shaaha lagu kariyo ama alaabo yar-yar oo kale lagu iibiyo.

Salaadii hore ayey shaqaalaha dawladda hoose oo ay weheliyaan madaxdoodu ku foofeen magaalada, gaar ahaan wadooyinka iyo suuqyada waaweyn ee faras-magaalaha, waxaana gelinkii hore ee shalay meelo ay ka mid yihiin suuqyada iyo jidadka ku yaal badhtamaha magaalada laga dareemayey waxoogaa is-bedel ah oo dhinaca nadaafadda ah, isla markaana waxay ishu ku dhacaysay guricaskii laga raray goobo boqolaal gaadhaya oo ay dawladda hoose ka fujisay buulal shaaha lagu karin jirey iyo san-daqado yar-yar oo lagu iibin jirey alaabooyin yar-yar oo bagaash ah.  “Buulasha la xagaafay waxay xidheen wadooyinkii iyo suryooyinkii la mari jirey ee magaalada.” Sidaa waxa yidhi hawl-wadeen dawladda hoose ka tirsan, laakiin maayarka laf-tiisa, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-dheere) oo uu weriye Haatuf ka tirsani la kulmay, waxna ka waydiiyey ujeedada laga lahaa ololaha ay dawladda hoose qaaday waaberigii shalay ayaa sheegay inuu dhinac ka ahaa olole nadaafadeed, dhinaca kalena lagu banaynayey wadooyinka baabuurta iyo suuqyada magaalada ee xidhmay, “Labo ujeeddo ayaanu ka lahayn ololahan” ayuu yidhi maayarku, wuxuuna intaa ku daray “Muhimadda koowaad waxay ahayd olole nadaafadeed, dhinaca kalena waxaanu ololahan ku banaynay wadooyinka baabuurta iyo suuqyada ee xidhmay.” “Ilaa toban haamood oo, kuwa qashinka ah ayaanu samaynay si qashinka loogu guro, waayo hore umaanu hayn haamo qashinka lagu guro” ayuu maayarku intaa ku daray.  

Maayarka oo la waydiiyey inay dadka buulasha la xagaafay lahaa ku war-geliyeen inay meelaha ay degan yihiin ka guuraan iyo inkale ayaa yidhi “ Haa, dhawr maal-mood ka hor ayaanu baahinay”.

Qahinka la ururiyey, hadii ay tahay xashiishkii la xaadhay iyo qashinkii buulashii la xagaafay ka hadhay waxa lagu daabulayey iska-rogooyin ay dawladda hoose leedahay, waxaana la sheegay in lagu daadiyey godod laga qoday koonayaasha magaalada.

Dad badan oo ka mid ah dadkii lahaa buulasha iyo san-daqadaha yar-yar ee la dumiyey ayaa is-dhex-uugaamayey suuqyada laga xagaafay buulasha iyo qashinka, kuwaas oo ay qaar badan oo ka mid ahi baadi doonayeen meesha uu ku dambeeyey buulkii ay shaaha ku karin jireen.

Marka laga reebo tiro aan bad-nayn dadka intiisa badani uma dhegtaagin war-gelintii dawladda hoose, laakiin markii uu waagu guduutay ayey ku war heleen san-qadha iyo sawaxankii ololaha dawladda hoose, waxayna taasi sababtay inay dad badani la kulmaan meeshii ay buulkooda ku ogaayeen oo haawanaysa.  “Markii waagu beryey ayuun baan ku war-helay meeshii oo madhan, waxaana la ii sheegay in buulkii iska-rogo lagu tuuray”, sidaa waxa tidhi gabadh dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka buulashii ay shaaha ku iibin jireen la xagaafay, laakiin gabadhaa mar la waydiiyey inay dawladda hoose ku war-gelisay in buulkeeda la xagaafayo waxay ku jawaabtay; “Waan ogaa in la lahaa buulasha jidadka ku yaal waa la duminayaa, laakiin kaayagu wadadaba uma dhowayn oo waxa uu ku yaalay gurigayaga hortiisa, markaa waxaan is lahaa hadii lagu yidhaahdo waa la duminayaa aad aroortii furfurtid, laakiin waxan ku toosay, iyadoo salaaddii hore la fujiyey”.

Waxa kale oo ay ishu ku dhacaysay dad badan oo shaaha ku karinaya bogcaddii buulka laga fujiyey, sidoo kalena dad badan oo kale ayaa baadi goob ugu jirey meel kale oo ay dabada geliyaan, “Meel uun baanu dabada gelin doonaa” ayey tidhi haweenay ka mid ah dadka buulasha laga xagaafay.

Ololaha dhinaca nadaafadda ee ay dawladda hoose shalay qaaday, inkasta oo waxoogaa nadaafad ah laga dareemay meelo faras-magaalaha u badan, haddana kuma fila, umana dhowa baahida nadaafadeed ee magaalada taal, iyadoo suuq iyo xaafad-ba uu qashinka magaalada tuurrani aad u badan yahay, “Wiigiiba maalin ayaanu doonaynaa inaanu ololaha nadaafadeed joogta ka dhigno si aanu horta u banayno qashinka magaalada dhex-yaal” ayuu yidhi, Axmed-dheer mar la waydiiyey ilaa inta uu soconayo ololahooda nadaafadeed ee ay shalay bilaabeen. Hase yeeshee si loo hanto xaaladda nadaafadeed ee magaalada waxa lagama maarmaan ah in la xoojiyo hawl maal-meedka dhinaca nadaafadda oo aad u liita.

  Madaxtooyada Somaliland Iyo Bandhig Siyaasadeedka Haweenka

Hargeysa (Haatuf): Xaflad-sharafeed lagu maamuusay xilka cusub ee Wasiirnimo ee dhawaan loo magacaabay Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah, Wasiirka Horumarinta Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, ayaa fiidnimadii xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Xafladdaas oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaa ka soo qayb-galay haween badan oo isugu jira aqoonyahano siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan haweenka Golaha Xukuumadda. Marwada Koowaad ee Somaliland, Marwo Huda Barkhad Aadan oo soo qaban-qaabisay xafladda lagu gardaadinayay Wasiirka Cusub, Marwo Edna Aadan, ayaa xafladdaa ka soo jeedisay hadal kooban oo isugu jira soo dhawayn, mahad-celin iyo guubaabo.

Marwo Huda oo dareen farxadi ka muuqato ku soo dhawaysay xilka loo doortay Edna Aadan, waxay tidhi: “Waxaa sharaf ii ah ka qayb-galka xafladdan soo dhawaynta ah ee Wasiirnimada Edna Aadan Ismaaciil, waxaan aad ugu faraxsanahay in haweenku ka qayb-qaataan Golaha Xukuumadda (Golaha Wasiiradda), gaar ahaan Marwo Edna oo baal-dahab ah ka gashay taariikhda Somaliland.”

Marwada Madaxweynaha Somaliland, waxay kaloo ka hadashay hawl-karnimada iyo waxtarka ay Marwo Edna ka geysatay dib-u-dhiska Somaliland, gaar ahaan bay tidhi haweenka iyo Carruurta oo ay u dhistay dhakhtar baaxad iyo tayoba leh.

Marwo Huda, waxay tilmaamo ka bixisay duruufihii qalafsanaa ee ay haweenka Somaliland soo mareen iyo xaaladda ay hadda ku sugan yihiin, waxayna sheegtay in dhibaatada jirta lagaga bixi karo iskaashi iyo dedaal midaysan oo haweenku ay yeeshaan.

“Waxay ila tahay in maanta Edna bar unug-bilow cusub ah u noqon karto dar-dar gelinta iyo dedaaka ka midha-dhallinta hawl-galada horumarineed ee haweenka iyo Carruurta,” ayay tidhi, Marwo Huda.

Ugu dambayntiina, waxay haweenka iyo hay’adaha dawliga ah iyo kuwa Caalamiga ahba ka codsatay in ay si hagar la’aan u caawiyaan Wasaaradda Cusub.

Khadra Faarax Jireh oo ka mid ahayd haweenkii xafladdaa ka soo qayb-galay, ayaa ugu horreynba u mahad-celisay Marwo Huda oo ay sheegtay in ay dedaal laxaad leh u gashay, sidii haweenku u heli lahaayeen kaalinta ay ku lahaayeen Siyaasadda hoggaanka dalka.

Khadra oo ku hadlaysay magaca ka qayb-galayaasha, waxay tidhi; “Waxa xusid mudan siday Marwo Huda, markiiba u mililicsatay in dumarku u baahan yihiin, waxa ay raggu u baahan yihiin. Waxaan filayaa in ay qaar kalena sidaas oo kale noogu magacaabi doonto.”

Khadra waxay haweenka kula dardaarantay in ay danahooda u midoobaan, isla markaana a yka fogaadaan wax kasta oo dhantaali kara dedaalka ay hadda wadaan.

“Dumarku way is-xantaan, laakiin xoolaha loo dhiibo ma cunnaan, markaa xanta in aad yaraysaan baan doonayaa,” ayay ku dartay Khadra Faarax.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ka hadashay xaflad-sharafeedka lagu maamuusayay xilka Wasiirnimo ee dhawaan uu Madaxweyne Rayaale u magacaabay, ayaa ka mahadnaqay munaasabada lagu sharfay oo ay ku macnaysay mid ay si weyn ula dhacday, Marwo Edna, waxay tilmaamo ka bixisay sida loogu baahan yahay in adduunka la tuso in Somaliland tahay ummad waxay rabto u qallanta.

Marwo Edna oo haweenka ka codsatay in ay gacan ka siiyaan hawsha ballaadhan ee loo igmaday, waxay tidhi; “Wasaaradu maaha mid aynu cid ka dhaxalay ee waa mid ayuu inagu samaysanayo, haddaynu dhidibada u adkayno oo aynu jaangoyn wacan u samayno, waxay noqonaysaa wasaarad,” ayay tidhi Marwo Edna.

Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Digniin U Jeediyay Dad Dhul-Boob Ku Hawlan

Boorama (Haatuf):- Guddoomiyaha gobolka Awdal, ahna Duqa degmada Boorama Maxamed Muuse Bahdoon ayaa uga digay dadka ku hawlan dhul-boobka in sharciga lala tiigsan doono mar uu maalintii shalay shir la yeeshay shaqaalaha Dawladda Hoose ee Boorama.

Duqu waxa uu shegay in dadka caadaystay dhul-b oobku ay dhibaato ba’an ku hayaan Boorama, iyaga oo buu yidhi dhisanaya goobihii danta gud, isla markaana goynaya waddooyinkii. Sidaa darteedna loo baahan Yahay in wadajir wax looga qabto. Waxaanu intaa ku daray in ay dadkasi u qaateen in aan sharciga lagu fulin karayn, ayna si laban-laabeen hawshoodii dhul-bobka ahayd, balse waxa uu Duqu sheegay in haatan iyo wixii ka dambeeya aan cidna laga haybasanayn ee sharciga lagu qaadi doono.

Duqa oo ka hadlayay waxa uu mar horeba arrintan wax uga qaban waayay waxa uu sheegay in muddadii uu xilka hayay oo ah 3 bilood uu ku hawlanaa wax hubsasho iyo inuu waano ku dayo arrinta, balse aanay taasi waxba ka tarin in la joojiyo dhul-boobka. Sidaa darteedna uu haatan go’aankan u qaatay.

Mar uu Duqu la hadlayay shaqaalaha D/Hoose, waxa uu qiray in ay jiraan qaar iyaga laftoodu gacan ka geysta hawlaha dhul-boobka, iyaga laftooduna ay la kulmi doonaan wixii sharci ahaan ay mutaysteen.

Waxa kale oo uu Duqu digniin taa la mid ah u soo jeediyay dadka la baxsada canshuurta kala duwan ee dawladda. Digniinta Duqu waxay ku soo beegantay iyada oo uu dhul-boob ba’ani ka taagan Yahay Boorama.

Burco Iyo Toddobaadka Naas-Nuujinta

Burco (Haatuf):- Xaflad lagu maamuusay toddobaadka naas-nuujinta ilmaha ee adduunka ayaa shalay lagu qabtay xarunta TOGOYOVO ee magaalada Burco.

Xafladdaas waxa iska kaashaday ururka dhallinyarada gobolka Togdheer ee TOGOYOVO iyo hay’adda Q.Midoobay u qaabilsan daryeelka hooyada iyo dhallaanka ee UNICEF. Xafladdaas waxa ka qaybgalay 70 haween ah oo ka kala yimi xaafadaha magaalada Burco, ururada haweenka iyo iskuulada, kuwaas oo halkan looga furay tabobar maalin ah oo ku saabsan faa’iidooyinka naas-nuujintu u leedahay carruurta.

Munaasibaddaa iyo tabobarkaas waxa weheliya lix cisho oo wacyigelin ah oolagu baraarujinayo sidii hooyadu ay ilmaha naaska u nuujin lahayd.

Waxa tabobarkaas casharo ku saabsan naas-nuujinta ka soo jeedisay Khadra Cumar oo ka socotay Wasaarada Caafimaadka. Waxa kale oo ka soo qaybgalay Maxamed Sheekh oo ka socday madaxa qaybta nafaqada ee UNICEF iyo Maxamuud Siciid Caagane oo ka socday madaxa nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka.

Sadaam Xuseen Oo Ka

Digay Weerar Lagu Qaado Dalkiisa

Ciraaq (W. Wararka): Madaxweynaha dalka Ciraaq, Sadaam Xuseen ayaa si ba’an uga digay nooc kasta oo weerar ah oo lagu qaado dalkiisa, kaas oo hadii lagu dhaqaaqo uu ku tilmaamay inuu noqon doono mid fashiliya hanaanka nabadeed iyo wada hadalada hadda socda ee ku saabsan arinta Ciraaq.

Sadaam Xuseen oo meel fagaare ah ka hadlay tan iyo markii uu madaxweyne Bush bishii ina dhaaftay ee juun ku dhawaaqay inuu doonayo inuu arko Sadaam Xuseen oo talada laga tuuray.

Sadaam Xuseen waxa uu khud-badiisa ku sheegay dadka cadawga u ah umadaha Carabta iyo dadka muslimiinta ah oo uu ku tilmaamay dad shar ah inay ku dambayn doonaan oo ay noqon doonaan dad taariikhda meel xun ka gala.

Madaxweynaha Ciraaq khud-badiisa si cad uguma sheegin arinta hubka halista ah ee la leeyahay Ciraaq baa samaysatay, laakiin waxa uu yidhi “Golaha amaanka ee qaramada midoobay waa inay jawaab ka soo bixiyaan qoraalkii ay u direen masuuliyiinta Ciraaq”. Qoraalkaas oo ay masuuliyiinta Ciraaq u direen xoghayah guud ee qaramada midoobay waxa uu ka hadlayey dhinacyo kala ah: hubka halista ah, kormeerayaasha qaramada midoobay ee Ciraaq iyo cunaqabataynta saaran Ciraaq, wuxuuna qoraalkaasi ka koobnaa ilaa 19 su’aalood oo ay masuuliyiinta Ciraaq dalbadeen inuu golaha amaanku jawaab ka soo siiyo, laakiin qoraalkaa oo ay dawladda Ciraaq qaramada midoobay ur dirtay bishii March ee sannadkan ilaa hadda wax jawaab ah kama ay bixin.

Raage Oomaar oo ka tirsan BBC-da ayaa, isaga oo ka soo waramaya magaalada Baqdaad waxa uu sheegay inuu Sadaam Xuseen arinta kormeerayaasha ee baadhay hubka halista ah ee Ciraaq lagu haysto baadhistooda shardi uga dhigay in ugu horayn dawladnimada Ciraaq la ixtiraamo, mar labaadkana laga qaado cuna qabataynta, intaa marka la aqbalona ay markaa Ciraaq ogolaanayso inay kormeerayaasha qaramada midoobay hawshooda wadan karaan, isla markaana intii ay doonaan ay joogi karaan dalka Ciraaq.

Dawladda Ciraaq waxay dhowaan baadhayaasha qaramada midoobay ku marti-qaaday inay yimaadaan dalka Ciraaq si ay wada ula yeeshaan masuuliyiinta Ciraaq, laakiin qaramada midoobay ayaa hakisay hawl-galka baadhayaasha qaramada midoobay ee hubka Ciraaq.  Hogaamiyaha Ciraaq, Sadaam Xuseen waxa uu ku baaqay inay Ciraaqiyiintu u diyaar garoobaan sidii ay isaga caabi lahaayeen cadaw kasta oo soo weerara, isaga oo yidhi; “Xoogagga sharku waxay soo qaadan doonaan naxashyadooda, iyaga oo ku dhiman doona geeri guul daro ah”, wuxuuna intaa ku sii daray oo uu yidhi: “Taariikhdu waxay ina bartay in cadawga Carabta iyo muslinku ay had iyo goor jabaan oo ay noqdaan, kuwa qaxa marka dagaalka la iskaga horyimaado.”

Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan arimaha bariga dhexe ayaa isna ka hadlay weerarka la damacsan yahay in lagu qaado Ciraaq, wuxuuna yidhi “Dagaalka waa la iska daweyn karaa hadii ay Ciraaq ogolaatay inay dib u hawl galaan kormeerayaasha qaramada midoobay ee baadhaya hubka Ciraaq”.

Ra’iisal-wasaaraha dalka Jarmalka ayaa isna daadefeeyey dagaal lagu qaado Ciraaq, wuxuuna yidhi “Dagaal lagu qaado dalka Ciraaq waxa weeye gef”, sidoo kale wasiirka arimaha debedda ee dalka boqortooyada sucuudiga ayaa isna weerar lagu qaado dalka Ciraaq ku tilmaamay inay tahay arin meesha ku jirin, hadii lagu dhaqaaqona ay tahay talaabo qaldan.

Madaxweynaha Maraykanka oo uu dunida kaga yimi cadaadis caalami ah oo lagaga soo horjeeda dagaal lagu qaado Ciraaq ayaa Arbacadii toddobaadkan yidhi “Waxaanu wadaynaa la tashiga Kongaraska Maraykanka, dabcan waanu la shaqaynaynaa dalalka aanu saaxiibka nahay, dagaalka Ciraaq-na waa mid go’aanka laga gaadhayaa uu weli dhiman yahay”.

Diyaarad Milateriga Maraykanku

Leeyahay Oo Ku Burburay Dalka Costa-Rica

Mr. Ark Merkal oo u hadlay taliska aagga koonfureed ee ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in diyaarad nooceedu yahay Hercules-130 oo ah diyaaradaha xamuulka qaada ee ciidamada Maraykanka inay xili dambe oo Arbacadii doraad ah ku burburtay meel 24 KM dhinaca koonfureed ka xigta caasimada dalka Koosta-Rika oo ku yaal Laatiin Ameerika.

Mr. Ark, waxa uu intaa ku daray in diyaaradaa uu ku dhacday degaan buuraley ah aanay dadkii saarnaa cidina ka bad-baadin, iyadoo ay saarnaayeen 10 qof, tobankii qofna ay sida ku dhinteen.

Dadka ku dhaqan degaanka ay diyaaraddu ku burburtay ayaa idaacad ku taal dalka Koosta-Riko u sheegay inay diyaaradda burburtay ku duulaysay joog hoose, laakiin markii uu shilku ku yimi ay u kala go’day laba qaar, isla markaan roobab iyo dhedo maalintii shalay ka dhacayey ayaa xanibay kooxihii gurmadka ahaa ee baadi goobayey burburkii diyaaradaa.  Saraakiisha Maraykanka ayaa diiday inay faah-faahin dheeraad ah ka bixiyaan shilkaa diyaaradeed.

Kulan Dhexmari Lahaa

Israa’iil Iyo Falastiin Oo Burburay

Kulan dhex mari lahaa Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta oo ah kii ugu derejada sarreeyay mudo bil ah ayaa burburay, kadib markii ay ciidamada Israa’iil weerareen Gaza, kuna dileen afar Falastiiniyiin ah, afar kalena dhaawaceen.

Sida laga soo xigtay dad degan degaanka Gaza, iska hor-imaadyada Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiintu ayaa weli halkaa ka socda, waxaa kale oo qabsoomay kulan ay isugu yimaadeen golaha dhexe ee Garabka Al-Fatax ee uu Yaasir Carafaaf hoggaamiyo, si ay uga doodaan qorshihii lagu joojin lahaa weerarada ay bartilmaameedka u yihiin Israa’iiliyiintu, si loogu beddesho ciidamada Israa’iil oo ka baxa degaanada Falastiiniyiinta qaar ka mid ah.

Wefti Falastiiniyiinta ah ayaa la rajaynayaa inay ka codsadaan dawladda Washington in ay gacan ka geysato sidii ay Israa’iiliyiintu uga bixi lahaayeen degaanada reer Falastiin.

Gelinkii dambe ee shalay ayuu weftiga Falastiin la kulmayeen xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Mr. Colin Powell. Kulankaas oo ah kii ugu horreeyay ee dawladda Maraykanka iyo Falastiiniyiinta tan iyo intii uu madaxweynaha Maraykanku uu dalbay in Yaasir Carafaat laga beddelo hoggaaminta Falastiiniyiinta.

Booliska Nayjeeriya Oo

Qab-Qabtay Kooxo Budhcad Ah

Booliska dalka Nayjeeriya ayaa xidh-xidhay in ka badan 30 qof oo ka mid ah kooxo budhcad ah oo ka jira gudaha dalka Nayjeeriya.

Booliska Nayjeeriya ayaa sheegay in kooxda ay 30-ka qof ka xidheen lagu magacaabo wiilashii Bakasi (Bakassi Boys). Bilaysku waxa kale oo ay albaabada u laabeen boolisku xarumo ay samaysteen oo ay si sharci-darro ah dadka ugu xidhan jireen uguna ciqaabi jireen.

Hawlgalka booliska Nayjeeriya ee budh-cadaasi wuxuu ka mid Yahay la dagalan ay booliska Nayjeeriya kula jiraan kooxo ay kiraysteen siyaasiyiin Nayjeeriya u dhashay, si ay ugu adeegsadaan doorashooyinka xisbiyada iyo madaxtooyada Nayjeeriya oo la sheegay in ay dhawaan ka dhici doonto dalkaa.

Qab-qabashadan budhcadda oo ka dhacday gobolka Abya ee Nayjeeriya waxaa kale oo ay qabteen bakhaar uu ka buuxay hub, rasaas iyo mindiyo.

Doorashada loogu tartamayo jagada madaxweynaha ee Nayjeeriya oo dhacaysa horraanta sannadka soo socda awgeed ayaa la filayaa in Nayjeeriya aan la saadaalin karin, waxa dhici kara bilaha soo socda.

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Ahmiyada Barashadda Cilmiga

Diinta Islaamku waxay ku salaysan tahay waxbarasho iyo aqoon korodhsi, waxaanay aad u dhiiri galisay, in wax la barto. Waayo? Haddii aanay dadku aqoon lahayn, ma samayn karaan horumar dhan kasta ah.

Ilaahay S.W. wuxuu soo dejiyay quraanka, oo u baahan akhris iyo barasho inta aan lagu camal falin haddii aanu qofku baran ma akhriyi karayo mana fahmi karayo, sidaa darteed ayay waxbarashadu asal ugu tahay diinta.

Waxyaabaha muujinaya inay diintu ahmiyada koowaad siiyay Quraanka waxaa ka mid ah oo inoo cadaynaya arrimahani suuradii ugu horaysay ee Quraanka soo degtay wuxuu Ilaahay ku bilaabay “Akhri”ama “Iqra” taasoo tilmaan cad ka bixinaysa inuu wax akhrisku muftaax u yahay Waxbarashada nabiga s.c.w. oo aan waxba akhriyin ayuu Quraanku kusoo degay haddana waxa lagu yidhi “Akhri” isaga oo markii dambe akhriyay waxyigii uu Ilaahay ku soo dejiyay, dadkana uu u akhriyay.

-          Quraanka wuxuu Ilaahay inoogu sheegay in markii uu abuuray aadam uu malaa’igta kaga guulaystay inuu wax akhriyo markaasoo uu Ilaahay amray ina ay Nabi Aadam u sujuudaan waayo? Wuxuu gartay wixii ay garan waayeen taasoo uu isaga Ilaahay si gaar ah u baray.

-          Nabigu csw maxaabiistii laga soo qabtay dagaalkii Beder intoodii is furatay marka laga reebo intoodii kale waxa uu ku amray inay wax baraan carruurtii reer madiina taasoo inoo muujinaysa ahmiyada uu Nabigu siinayay Waxbarashada.

-          Ilaahay (sw) waxa uu quraanka si cad ugu sheegay in aanay sinayn qofka waxbartay iyo qofka kale iyadoo uu qofka waxbartay ka sareeyo qofka aan waxba baran Ilaahay agtiisa.

-          Diinta Islaamku waxay siisay fadli aad u wayn qofka waxbaranaya sidaa darteed ayuu Nabigu xadiis ku yidhi “qofka wado mara isagoo waxbarasho u socda Ilaahay wuxuu u sahlaa dariiqa janadda.” Mar kale waxa uu Nabigu inoo sheegay in waxbarashadu ay tahay waajib, saaran qofkasta isaga oo xadiis ku yidhi “ Doonashada cilmigu waa faral saaran qofkasta oo muslim ah” marka laga tago cilmiga meelaha dhaw laga helayo waxay diintu inoo tilmaantay in aynu cilmiga u doonano ilaa shiinaha sida Nabigu xadiis ku yidhi “Cilmiga doonta kol aad shiinaha tagtaan” sidaa daraadeed ayay doonashada cilmigu waajib tahay meel kasta oo laga helayoba.

Marka laga yimaado taasi diintu waxa ay inoo sheegtay culimadu in ay wakiil ka yihiin Rasuulkii maadaama ay dadka sii gaadhsiinayaan wixii uu Ilaahay u soo dhiibay Rasuulka.

Barashada cilmigu ee diintu ina fartay kuma koobna oo kaliya in la barto cilmiga diinta oo kaliya balse waxay inagu dhiiri galisay in aynu barano cilmiga maadiga ahna gaar ahaan waxyaabaha daruuriga ah ee bulshadu u baahan tahay.cilmigu ma dhamaado da’na makala laha, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in cilmiga barashadiisa ahmiyad gaar ah la siiyo, wakhtina loo huro waayo? Cilmigu waa nuur, jaahilnimaduna waa mugdi, qofka cilmiga leh waxaa loo qaybiyaa laba kala ah:.

1.       Qof cilmigiisu uu waxtar leeyahay Ilaahayna ku anfacay kaasoo ah qofka cilmiga bartay kuna camal falay, marka dambena dadka sii bara.

2.       Qof aanu cilmigiisu waxtar lahayn kaasoo ah qofka cilmigiisa ka dhigta, wax uu ku faano dadkana uu ku yaraysto, islamarkaana aan ummadda ugu faa’iidaynin, cilmigiisa.

Jaahilnimada ama aqoon la’aanta waxa loo qaybiyaa iyadana laba kala ah:

1.       Qof aan cilmi lahayn oo garanaya inaanu cilmi lahayn qofkaasi waxa uu rajo u leeyahay in wax la baro calaamadaha lagu gartana waxaa ka mid ah inuu marka wax loo sheegayo dhagaysto, inuu wixii aanu garanayn waydiiyo dadka cilmiga u leh iyo in aanu ka hadlin wixii aanu cilmi u lahayn.

2.       Qof aan cilmi lahay oo haddana ismoodaya inuu cilmi leeyahay ama aan isgaranayn inuu jaahil yahay. Qofkaana waxaa lagu gartaa inuu muranka horkeeno marka wax loo sheegayo, inuu isku qaado wax kasta oo laga hadlayo, iyo in aanu cidna waxba waydiin. Qofka calaamadahaa leh, waxa lagu tilmaamaa inuu hayo jahli laban laabani rajadiisuna way liidataa in uu wax barto, haddii aanu ka tanaasulin sifooyinkaa.

Cilmiga ma barto qofka kibirka badan ee isla weyn iyo qofka xishoodka badaniba sidaa darteed waa in aan la iska weynayn cilmiga lagana xishoon ee la barto, markasta oo fursad loo helaba.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Talooyin Ku Socda Maamulka

Cusub Ee Dawladda Hoose Hargeysa

Muddadii aynu dalka ku soo noqonay ilaa 1991kii ilaa maanta dalka gaar ahaan caasimada Hargeysa, waxa soo maray maayaro kala duwan.

Haddaba maamulkan cusub ee dhawaan loo magacaabay Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxaan kula talin lahaa arrimahan hoos ku qoran si Hargeysa u yeelato muuqaal caasimadeed.

Waxaad ugu timaadeen dawladda hoose ee Hargeysa maamul xumo fara badan oo xagga sare ilaa xaga hoose gaadhay, dayn fara badan oo la idinku wareejiyay, dhaqan xumo fara badan oo aad meesha ugu timaadeen, taasoo ku sallaysnayd hantida dawladda oo la boobayo sida dhulka, iyo dakhliga, oo lagu tagri fallo.

Haddaba madax waliba muddada yar ee ay xilka hayaan qaar waxay kaga tagaan magac iyo sharaf, qaarna ceeb iyo sharaf dhac. Waxaan Illaahay idiinka baryayaa in uu xilkaas ballaadhan idinku asturo, Idinkana waxa la idiinka baahan yahay dadaal fara badan. Haddaba talooyinka aan idin siinayo ee wax qabadka ahi waa sidan hoos ku qoran.

a.       Tirada shaqaalaha oo aad u fara badan waa inaad dhintaan shaqaalaha aan loo baahnayn, lana soo hadhaan inta loo baahan yahay.

b.       Waa inaad bilawdaan olole Cashuur ururin ah, cashuuraha gaar ahaan baaqday

c.       Waa inaad maalin walba shanta degmo ee magaalada kormeer joogto ah lagu sameeyo, si loo soo qabto dadka dhismayaasha sharci darrada ah dhisanaya.

d.       Waa in aad meesha ka saartaan dhaqan xumadii hore sida buuqii saxmadda iyo isdaba orodkii baabuurta iyo lugtaba ee dad badan oo shaqaalah dawladda hoose ahi caadaysteen.

e.       Waa in xero dhiigta oo magaalada badhtanka ku taalla dhibaato weyn oo caafimaadna ku haysa dadka deggen xaafadaasi laga raraa oo la geeyaa kawaankii hore ee dawladdii Siyaad Barre ka dhistay dhinaca Bari ee magaalada laga soo galo oo imika ah dayr keliya. “Arrintaasi waa inaad xil wayn iska saartaan”.

f.         Dayactirka jidadka magaalada waa in xil weyn iska saartaan kuwaas oo dhammaantood burbursan oo laga naxayo, aadna u fool xun jidadkaas oo ah kuwo carro tuul ah iyo kuwa laamiga ah. Waana in si deg deg ah aad daamur u dirataan.

g.       Waxaynu dhammaanteen ognahay in uu faras magaalihii Hargeysa noqday xero jaad, taasoo dhammaanteen ku ah fool xumo weyn waxaan idinkula talin lahaa in aad sahamisaan jaadka meel lagu iibiyo una rartaan meelaha aan fillayo in ay ku haboontahay sida woqooyiga magaalada ama dhinaca galbeed waana in aad u iibisaan dhul banaan oo laga dhiso xero qaad.

h.       Dhinaca nadaafada magaaladu aad bay uga liidataa guud ahaan waa in culays wayn saartaan, nadaafada magaalada, waana in magaalada 5 teeda degmo maalin ba mid lagu qaadaa olole, xashiishka kale ee suuqa iyo xaafadaha waa in uu noqdaa mid si joogto ah loo qaado, waana in la baneeyaa biyo mareenada oo laga qaadaa xashiishka dhexyaal si joogto ah.

i.         Gaadiidka dawlada hoose ee Hargeysa oo aad u liita waa in aad iibisaaan gaadiid cusub oo ah iska rogooyin aan ka yarayn Shan oo ah iska rogooyin nooca waawayn ah. Gaadiidka yar yar laftooda waa in aad gaadiid cusub iibsataan oo ah basas, xajiyado iwm.

j.         Waa inaad shaqada ka fadhiisisaan shaqaalihii dambiilayaasha ahaa, ee ku sifoobay dhul boobka sharci darrada ah sida (gudoomiyayaasha Degmooyinka, Joomitirada, iyo agaasimayaasha waaxyaha dhulka iyo qorshaha, dhammaantood waa in aanay joogin)

k.        Kaalinta shidaalka ee D/hoose iyo baarka isku qoofalan waxa uu ku kireeyay maamulkii idinka horeeyay 1,000,000 SL, arrintaas oo ah wax aan macquul ahayn, kiradeeda saxa ahi marka la eego suuqa Hargeysa (1000$), kirada meeshaas bal dib ha loogu noqdo.

l.         Maadaama cashuuraha iyo dakhliga D/hoose aanu aad u buurnayn waa in dhaqaale kabid aad ka codsataan madaxweynaha sila markaana hay’adaha laftooda aad la kaashataan si loo helo kaalmo dhaqaale oo wax lagu horumariyo.

m.     Maalinta laga khudbadaynayo fagaarahani khayriyada dadweynuhu waxay kala kulmaan dhibaato wayn maadaama uu fagaarahai ku yaalo jidka ugu weyn magaalada waxaana istaaga gaadiidka iyo dadka lugaynaya sidaa darteed waa in loo raraa kheyriyada oo la dhigaa beerta xorriyadda, meeshaas oo aad ugu haboon.

n.       Waa inaad samaysaan guddiga dhexe ee dacwadaha dhulka, kuwaas oo ka xaqsooraya dacwadaha dhulka ee ka soo gudba shanta degmo ee magaalada, waana in aad eridaan kuwa imika lagu magacaabo guddiga dacwadaha dhulka ee jooga, degmooyinka, kuwaas oo bahaloobay guddiga cusub ee la sameeyo waa in ay ku jiraan xubno dumar ah waana inay ahaadaan dad nadiif ah oo caddaalada yaqaano.

o.       Waa inaad jidadka magaalada oo aan lahayn magacyo siiba kuwa waaweyn aad u samaysan magacyo ku haboon sida halgamayaashii iyo maalmihii taariikhda lahaa, waana in aad boodhadh ku dhejisaan magacyadu ku yaalaan. Jidka ugu horeeyaana waa in uu noqdo ka kasoo bilaabma kaalinta 100jire ilaa Ex.maroodi jeex ha loo bixiyo Marxuum (Maxamed Ibraahim Cigaal)

p.       Xaafadaha aan lahayn magacyada ku haboon waa in loo bixyaa magacyo ku haboon.

q.       Waa inla habeeyo suuqa dhexdiisa oo imika is dhex daadsan.

r.         Waa in shaqadiinu mar walba ku salaysnaataa wada tashi joogto ah.

s.        Waa in la sameeyo kaabado dhawr ah oo lagu qoro magacyada halgamayaashii dalka ee 1960kii iyo dib u xoraynta dalka.

t.         Waa in la kordhiyo tarafic light ka, lagana sameeyo goobahan Ex-total kaalinta shidaalka Dumbuluq iyo isgoyska hotel gargaar iyo isgoysyada xaafada xero awr. Iyo meeshii kale ee is tidhaahdaan way ku haboon yihiin.

u.       Waa inaad si joogto ah u kormeertaan hoteelada wax lagu cuno iyo meelaha lagu iibiyo cuntada qoyan iyo farmasiiyada iibinaya dawooyinka dhacay. Waana in hudheelada lagu amro in ay qotaan bulaacadihii biyaha wasakhda ah lagu shubayay.

v.        Waa inaad xoojisaan waaxda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee D/hoose.

Ismaaciil C/Raxmaan Cumar Xaashi

 

Baadida Kii Lehi

Dayaco, Ha Dayn Bahalkii Helow

Maan jeclayn inuu noqdo maqaalkaygani mid wax damqaaya, laakiin waxaan jeclaa inuu noqdo mid wax toosinaya. Anoo taa ka duulaaya, waxay noqotay Berberi baadida kii lehi dayaco, ha dayn bahalkii heloow, waxaana dhammaanba dayacmay danihii bulshada reer Saaxil;

1.       Waynu ognahay xaaladda Cusbitaalka iyo sida ay u gebi dhaclaynayso

2.       Xaaladda Waxbarashada Gobolka Saaxil oo maraysa meel aad looga dayriyo

3.       Qalalaasaha Maamul-xumo ee ka jira Wakaaladda Biyaha iyo in aanay weli gaadhin meelo ka mid ah magaalada biyo ay dadku cabaan.

Arrimahaas aynu kor ku soo sheegnay, waa dayaacad ka timid dadka deegaanka ah iyo Maamulka Gobolka iyo Degmada.

Haddaba Guddoomiye, waxaa tahay Wakiilkii Madaxweynaha ee Gobolka. Waxaad tahay Maayorkii magaalada Berbera, shacbiguna wuu kuu aqoonsanyahay inaad xilka aad ummad u haysid, waana laga qurux badan yahay Guddoomiye in adiga oo goob-joog ah, cid kale xaliso dhibaatooyinka Gudaha Gobolkaaga.

Haddaba, Guddoomiye isku day ado la kaashanaya Illaahay in aad wax ka qabatid waxyaabaha aanu kor ku soo tilmaamay oo inta badan bulshadu ka cabanayso.

Abshir Gaydh Cali, Berbera

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Qaar Ka Mid Ah Kooxaha Yurub Ugu Magaca Weyn oo tartan isku haleellaya

Qaar ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn kubadda cagta ayaa isu diyaarinaya kulamo ay ugu soo baxayaan ka mid noqoshada kooxaha horyaalada Yurub.

Kooxda Manchester oo ah naadiga dunida ugu qanisan waxay la ciyaaraysaa Zalaegerszegi oo ka soo adkaatay Croatia Zagreb. Halka Bayern Munich ay la kulmays Partizan Belgrade oo ka soo badisay Hammarby oo reer Sweden ah.

Kooxda Legia Warsaw oo ka soo badisay Vardar (Macedonia), ayaa ku beegantay Barcelona. Newcastle waxay fooda is darayaan naadiga Bosnia Zahlieznicar.

Kooxda AC Milan oo ka mid ah naadiyada Yurub ugu caansan ayaa iyana la kulmaysa Slovanliberec (Czeck). Kooxaha Feyenoord iyo Boavista ayaa la kala ciyaaraya Fenebahce iyo Auxerre.

Kulanka ugu xiisaha badani wuxuu dhexmarayaa Inter Milan iyo Sporting Lisbon, oo ka mid ah naadiyada aadka u adag ee ka dhisan qaaradda Yurub.

Kulankani wuxuu ku soo beegmay iyada oo Inter ka nafistay murankii soo dhexgalay weeraryahankooda halbowlaha ah ee Ronaldo oo sheegay inuu kooxda ku negaan doono. Sidoo kale, ay kooxdu la soo wareegtay difaacyahanka xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxda Parma ee Fabio Canavaro oo wararku sheegayaan inay ku iibsatay 15 milyan oo dollar.

29-jirka difaaca ahi wuxuu Inter la galay heshiis muddadiisu afar sannadood tahay.

Kooxaha Juventus iyo AC Milan oo aad u danaynaya Canavaro ayaa ugu dambayntii lagaga adkaaday laacibkaa.

Canavaro oo ka hadlay heshiiska uu kooxda Inter la galay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan Yahay kooxdiisa cusub. Wuxuuna yidhi; “Aad baan ugu faraxsanahay inaan ku biiro koox muhiimad leh oo Inter oo kale ah. Kooxdu waxay samaysay maal-gelin weyn. Taasi waxay caddaynaysaa inaan kor u kacay.”

Tottenham Oo Iibsanaysa Morientes

London (Reuters) – Kooxda ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Tottenham ayaa bartilmaameed ka dhigatay weeraryahanka Real Madrid ee Fernando Morientes. Sidaa waxa qoray wargeyska The Sun.

Maamulaha Tottenham Daniel Levy ayaa wargeyska u sheegay inuu 25 milyan oo dollar ku iibsanayo weeraryahanka. Hase yeeshee, Jorge Valdano ayaa laga soo xigtay inuu ilaa 30 milyan oo dollar ku doonayo ciyaartoygiisa.

Ciyaaryahanka Morientes ma jeclaysan baaqa Tottenham, maxaa yeelay wuxuu hadda u saftaa Real Madrid oo haysata horyaalka Yurub, halka kooxda uu u tegayaana aanay xataa u soo bixin is-reebreebka tartanka UEFA.

Dhinaca kalena garoonka Millennium ee Cardiff waxaa isku arkaya kooxda isku darsatay horyaalka iyo koobka FA Cup iyo kooxdii ugu soo xigtay. Sidaa darteed, labada kooxood waxay isu diyaarinayaan kulankaa iyo kuwa kale e horyaalka oo dhowaan bilaabmaya.

Kooxda Arsenal waxay kulankaa safaysaa ciyaaryahanka Brazil ee ku guulaystay koobka adduunka ee Gilberto Silva, halka ay Liverpool ay kulankaa diyaarsatay weeraryahanka reer Senegal ee El-Hadji Diouf. Waxaa kale oo isna kooxda u soo kacay Steven Gerrard oo ay aad ugu dhadato kooxda uu Garrard Houllier.

Tabobaraha Cusub Ee

Masar Oo Xul Cusub Magacaabay

Kairo (Reuters) – Tabobaraha cusub ee xulka Masar Muxsin Salax ayaa soo saaray magacyada xulka cusub ee Masar uga qaybgelaya koobka isreeb-reebka qaramada Afrika. Salax wuxuu magacaabay liiska 25 ciyaartoy.

Masar waxay maanta oo Jimce ah la ciyaaraysaa Ethiopia, kadibna waxay la kulmaysaa Uganda, Sudan iyo Libya. Kulamadaasina waxay dhacayaan labada toddobaad ee soo socda.

Saalax oo kooxda Ismaaciiliya u qaaday horyaalka, waxaa xulkan loo magacaabay kadib markii uu jagadaa banneeyay Maxamuud AL-Gohari.

Toddoba ciyaartoy oo ka mid ah xulka waxaa laga soo xulay naadiga Ismaaciiliya. Waxa kale oo Zamalek Cabdullaahi Cali oo saddex gool xulkiisa u dhaliyay kulankii ASEC Abidjan ee ay Ivory Coast.

Magacyada xulka cusub ee Masar waa kuwan:

GOOLHAYEYAASHA: Essam Al Hadari (Al Ahli), Tarek Soliman (Arab Contractors), Youssef Taher (Al Ittihad)

DIFAACA: Mohamed Aboul Ela (Zamalek), Ramy Adel (Arab Contractors), Emad Al Nahas (Ismailia), Amr El Desouki (Al Masry), Amr Fahim (Ismailia), Wael Gomaa (Al Ahli), Hani Kamel (Suez), Sayed Moawad, Atteya Saber (both Ismailia), Mahmoud Selim (Arab Contractors), Islam Shater (Ismailia)

DHEXDA: Mohamed Abdelwahad (Zamalek), Mohamed Barakat, Khamies Gaafar (both Ismalia), Hossam Ghali (Al Ahli), Youssef Hamdi (Ismailia), Ahmed Khalaf (Sohag), Mohamed Shawki (Al Masry)

WEERARKA: Abdelhalim Ali (Zamalek), Khaled Bebo, Ahmed Belal (both Al Ahli), Sameh Youssef (Arab Contractors).