Haatuf, Cadadki 134, Aug.11, 2002

Hargeysa: Munaasibadda Aaskii Marxuum Sh. Yuusuf Cali Sh. Madar Oo Geeriyooday

Badweyntii Taariikh-Nololleedkiisii

Hargeysa (Haatuf): Sh. Yuusuf Cali Sh. Madar oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM ee ku guulaystay dib-u-xorraynta dalka, wakhtigana ka mid ahaa xubnaha sar-sare ee guddiga fullinta urur-siyaasadeedka UDUB, ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa fiidnimadii habeenkii Sabtida (Habeen hore), isla markaana waxaa shalay la sameeyay Munaasibad ballaadhan oo ku saabsanayd aaska meydkii Marxuumka, taas oo ay ka qayb-galleen Madaxweyne Rayaale, Xubnaha Golayaasha Qaranka iyo dadweyne aad u tiro badnaa.

Illaahay ha u naxariistee Sh. Yuusuf Sh. Madar, waxaa meydkiisa lagu aasay Maqaamka Sh. Madar, halkaas oo ay ku aasan yihiin waalidkii, taas oo ay Salaadii Jinaasadda meydka ku tukadeen dad aad u tiro-badnaa oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin. Siday sheegeen warar geerida Marxuumka ku saabsan oo na soo gaadhay, Sh. Yuusuf ka hor intaanay naftu ka bixin, wuxuu ka qayb-galay shir Madaxtooyada ka dhacay Jimcihii oo ay isaga iyo Madaxweynuhuba ku jireen. Warku wuxuu intaa ku daray in wakhtigaas uu caafimaadkiisu wanaagsanaa, hase yeehsee ay xaalladiisu isbedeshay markii la gaadhay Maqribkii oo la sheegay inuu si ku soo boodo ah u xannuunsaday, isla markaana loo geeyay dhakhtar, balse waxyar kadibba, waxaa la geeyay gurigiisa, halkaas oo ay naftu kaga baxday fiidnimadii Jimcaha ee Sabtidu soo galaysay.

Illaahay ha u naxariistee Sh. Yuusuf Cali Sh. Madar, wuxuu ka mid ahaa halyeeyadii bud-dhigga u ahaa Waxbarashada Somaliland iyo guud ahaanba dhismaha bulsho ee dalka. Sidaa aawadeed, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa taariikh-nololleedkiisii:

TAARIIKH NOLOLLEEDKII SH. YUUSUF CALI SH. MADAR

Rabbi ha u naxariistee Sh. Yuusuf Cali Sh. Madar, wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1929, waxaanu ahaa 73-jir. Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd iyo tii dhexeba, wuxuu ku soo qaatay dalka Suudaan 1946, kadibna barashada tacliinta sare ku soo qaatay dalalka Ingiriiska oo uu tegay dabayaaqadii kontonaadkii iyo Maraykanka oo uu tegay lixdanaadkii. Siduu noo sheegay Maamulaha Kulliyadda Macalimiinta ee Hargeysa Axmed Cabdi Dacar, muddo badan ayuu macallin ka ahaa dalka Somaliland wakhtigii gumaysiga ee loo yaqaanay “Somaliland Protactrate” waxaanu markii dambe noqday maamulihii Waxbarashada ee u horeeyay ee Soomaali ah gobanimada ka hor. 1961-kiina, wuxuu noqday Guddoomiyihii Waxbarashada Somaliland oo wakhtigaas loogu yeedhi jiray gobolada Waqooyi, waxaanu xilka kala wareegay Aabihii Waxbarashada Maxamuud Axmed Cali oo isna Illaahay ha u naxariistee, wakhti hore hoyday.

Eebbe naxariistii janno ha siiyee Sh. Yuusuf, cahdigii Jamhuuriyaddii Dimoqraadiga Soomaaliya ee burburtay ay jirtay, wuxuu guddoomiye waxbarasho ka noqday gobollo dhawr ah oo kale, hase ahaatee markii la gaadhay sannadkii 1974-kii, ayaa hoggaamiyihii Xukuumaddii Millateriga ahayd ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre uu isku mar shaqada ka eryay Sh. Yuusuf Cali Sh. Madar iyo dhawr iyo toddobaatan qof oo kale oo dhammaantoodba ka soo jeeday Gobolkii xilligaa loogu yeedhi jiray Waqooyi/Galbeed (Somaliland).

Dadkaasi waxay ahaayeen dhammaantoodba labbeentii bulshada Somaliland, hase yeeshee wuxuu Siyaad Barre u arkay in ay diiddan yihiin Kacaankiisii. Siduu sheegay Boobe Yuusuf Ducaale oo aanu ka soo xiganay qaybo ka mid ah taariikhda Marxuumka, wakhtigaas shaqada laga fadhiisiyay Sh. Yuusuf, wuxuu ka shaqaynayay Gobolka Mudug ee W/Bari Soomaaliya. Marxuumku markaas dabadeed, wuxuu u dhoofay dalka Sucuudiga. Markii la gaadhay horraantii Siddeetanaadkiina, wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM ee dagaalka hubaysan la galay Xukuumaddii Siyaad Barre, isla markaana dib-u-xorreeyay dalka 1991, hormoodna ka ahaa ku dhawaaqidii la soo noqoshada Madaxbannaanida.

1982-kii, ayaa loo doortay guddoomiyaha ururka SNM, waxaana lagu doortay Shirweynihii 2aad ee ururka SNM oo ka dhacay magaalada Haaddaamo (Nazareth) bishii April 1982-kii. Xilkaasna wuxuu hayay muddo sannad ah. Mar labaad ayaa haddana Sh. Yuusuf Cali Sh. Madar loo doortay Guddoomiyaha ururka SNM, waxaana lagu doortay Shir ururku yeeshay oo ka dhacay magaalada Harrar bishii July 1983-kii, muddo sannad kale ah ayaanu xilkaa hayay. Marxuumku wuxuu ahaa guddoomiyihii labaad ee ururka SNM yeesho, waxaanu hoggaaminta ururka hayay xilli duruufo qalafsani jireen. Siday sheegeen Axmed Cabdi Dacar iyo Boobe Yuusuf Ducaale, dareenka wakhtigaas ay SNM ku cusbayd Itoobiya, ka taagnaa wuxuu ahaa in la mideeyo Jabhadihii Soomaalida, gaar ahaan Jabhadii SSDF oo hore u sii joogtay dalka Itoobiya iyo SNM. Xilligaa C/laahi Yuusuf oo hogaaminayay SSDF, waxaa ku socday durdur lacag iyo hub ah oo uu ka helayay Mucamaral Qadaafi, sidaa daraadeed Col. C/laahi Yuusuf, wuxuu isku hawlay sidii ay SNM u hoos geli lahayd ururkiisii, balse waxaa taa sutidda u qabtay hoggaankii Sh. Yuusuf ee SNM markaas hormoodka u ahaa, kaas oo ku guulaystay in ay SNM ka badbaado midnimaddii lala doonaynay, isla markaana ku adkaystay in ay SNM gaarkeeda u taagnaato.

November 1983, markii la marayay, ayaa Sh. Yuusuf laga wareejiyay xilkii guddoomiyaha ururka, waxaana shir magaalada Jig-jigga ku qabsoomay wakhtigaas loogu doortay Guddoomiyihii ururka, C/qaadir Koosaar Cabdi oo xilkii kala wareegay Sh. Yuusuf. Wakhtigaas wixii ka dambeeyay Marxuumku, wuxuu xubin joogto ah ka ahaa Golihii dhexe ee SNM, waxaanu qaybtiisa ka qaadan jiray hawlihii dibu-xorraynta ee ururku ku hawlanaa. Sannadkii 1991-kii markii SNM dalka dib u xorreeyay ee lagu dhawaaqay la soo noqoshada Madaxbannaanida Somaliland-na, waxa uu Sh. Yuusuf noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee u horeeyay ee ay Somaliland-tan cusubi yeelato, waxaanu xilkaa hayay ilaa 1993. Cahdigan haddana, wuxuu Marxuumku ka mid ahaa urur-siyaasadeedka UDUB, waxaanu xubin ka ahaa guddiga fullinta ee ururkaas.

Rabbi ha u naxariistee Sh. Yuusuf, wuxuu ahaa shaqsiyad caan ah, waxaanay in badan oo dadka yaqaanay ka mid ah oo tacsidiisa ka hadlay muujiyeen inuu ahaa nin dhaqan hufan iyo kaftan sarraaxi ah lahaa, isla markaana uu ahaa nin gacan-furran, xaq-soor leh, codkarnimo iyo geesinimo-na u dheerayd. Dhanka kale Sh. Yuusuf, wuxuu ahaa macalin ruug-caddaaya, waxaanu macallin u ahaa oo uu wax soo baray, dad aad u tiro badan oo wax nool iyo wax dhintayba leh. Dadkaas waxa ka mid ah ashkhaas tiro badan oo marka la magac-dhebo, gebi ahaanba laga garanayo carro-edeg (Mandaqadda Soomaalidu degto ee geeska Afrika). Dadka aanu shakhsiyadii Sh. Yuusuf wax ka weydiinay, waxaa ka mid ah; Muj. Xasan Ciise Jaamac, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Geeridu xaq weeye, laakiin markastaba firka-naxeeda way leedahay. Illaahay ha u naxariistee Sh. Yuusuf, wuxuu ka mid ahaa raggii u horeeyay ee wadankan wax u soo bartay. Anigu markii aan Iskuulka galay, waxaan galay Axmed Gurey, Maamulle ayuu ka ahaa, balse markaa aan anigu galay ayuu ka wareegay. Hase yeeshee, waxaanu saanni isu baranay wakhtigii SNM-ta. Runtii wakhti xasaasi ah ayuu SNM guddoomiye u noqday. Wakhtigaas waxaa caan noqotay Maahmaah Itoobiyaan ah oo ay xabashidu ku tilmaami jireen SNM. Waxay odhan jireen, “SNM sidii xabad saabuun ah oo qoyan oo aanu is-leenahay ka buuxsada ayay nagu noqotay,” saabuun qoyanna ka buuxsan kari maysid, waayo jabhadihii kale ee Soomaalida ahaa, iyagaa toos u xukumi jiray, SNM mooyaane. Haddaan u soo noqdo Shakhsiyadiisii, Marxuumku wuxuu ahaa nin qalbi furan oo kaftan badan, isla markaana kaftankiisu aanu turxaan lahayn.”

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka mid ahaa dadka aanu wax ka weydiinay shakhsiyadii iyo taariikhdii Marxuumka, ayaa isna ku bilaabay hadalkiisii;

“Marka hore Illaahay Naxariistii Janno ha ka waraabiyo, Sh. Yuusuf eheladiisii, reerkiisii, carruurtiisii iyo dhammaanteenbana samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Marka xigga, Sh. Yuusuf nin halganno badan soo galay buu ahaa, macallin aad u wanaagsan buu ahaa, raggii ugu horeeyay ee halgankii dalka lagu xorreeyay soo hogaamiyay buu ka mid ahaa.”

Axmed Siilaanyo, isagoo ka hadlaya markii u horreysay ee ay is-barteen, wuxuu yidhi; “Shakhsiyan anigu waxaan ku soo gaadhay anigoo arday ah, isaguna macalin yahay. Iskuulka Sheekh baanu ka dhiganaynay markaa uu isagu macallinka ahaa, aniga gaar ahaan wax iima dhigaynin, laakiin Iskuulka aan dhiganayay ayuu macallin ka ahaa, waxaanu ka mid ahaa, macallimiintii aadka loo jeclaa. Waxa kale oo uu ka mid ahaa, ragga caanka ku ahaa ciyaaraha ee aad iyo aad ugu fiican, kubaddana waanu wada-ciyaari jiray, in badanna garoonka waanu wada-galay. Dhinackastaba marka laga eego Sh. Yuusuf, wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu qiimaha weynaa ee wax ka soo dhisay dalkan aynu ku noollahay iyo bulshadiisaba. Haddii qof la qiimaynayana, wuxuu leeyahay qiimaynta koowaad.’

Illaahay ha u naxariistee Sh. Yuusuf Cali Sh. Madar, wuxuu si wanaagsan ugu hadli jiray Luqadaha Carabiga iyo Ingiriisida, waxaanu ifka kaga tegay lix carruur ah oo shan ka mid ahi ay ku noolyihiin dalka Denmark, midna dalka gudihiisa joogo iyo Hooyadood Shugri Kabadhe oo ku sugan Hargeysa.

Nin Ka Tirsanaa Xerta Sh. Birikaane Oo Sheekh Lagu Dilay

Sheekh (Haatuf): Marxuum: Cabdi Cali Isaaq ayaa doraad (8.8.2002) ku geeriyooday degmada Sheekh, ka dib markii uu toogtay gacan-kudhiigle la yidhaahdo Aadan Qaar-baali, wuxuuna dilkaasi ka dhacay xaafad ku taal dacalka koonfur-bari ee magaalada Sheekh.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera, C/raxmaan X. Daahir marxuumka la dilay waxa uu ka tirsanaa xer lagu magacaabo xerta Sh. Birikaane oo uu fadhigoodu yahay degaamada gobolka Hargeysa, waxaana la sheegay in sababta dilkiisa lagu xidhiidhiyey, ka dib markii uu marxuumkaasi dhaawac u geystay gabadh la yidhaahdo Safiya Rabadh, gabadhaas oo sida warku sheegay ahayd gabadh xiska wax uga dhiman yihiin, sidaa darteed loo geeyey marxuumkaa si uu u dabiibo, ka dibna waxa uu ku dhaawacay Toorri, isaga oo sheegay inuu xanuunka dhinaca maskaxda ah ka dabiibayo, laakiin dhaawaca uu ninkaa geeriyooday u gaystay gabadhaa waxa uu ka cadhaysiiyey ninka dilka geystay, Aadan Qaarbaali oo ay gabadha la dhaawacay ehel dhow yihiin, taas oo keentay inuu ninkaa xerowga ahaa xabbad ku dhufto, sidaana uu ku dhinto.

Gacan-kudhiiglaha dilka geystay wuu baxsaday oo lama qaban, laakiin sida uu warku sheegay waxa falkaa dartii loo qab-qabtay, lana xidh-xidhay labo oday oo kala ah: gacan-kudhiiglaha Aabihii iyo gabadha la dhaawacay aabeheed. Sidoo kale waxa uu warku sheegay inay magaalada Sheekh gaadheen qaar ka tirsan ehliyadda marxuumkaasi.

Marxuum, Cabdi Cali Isaaq, inkasta oo xerta uu ka tirsanaa fadhigoodu yahay degaamada gobolka Hargeysa, haddana waxa la sheegay inuu ugu yaraan sannadkiiba hal mar tegi jirey degmada Sheekh si uu wax uga soo dabiibo, ka dibna marka uu muddo joogo ayuu dib uga laaban jirey degaanka xertiisa.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Yabooh Dhaqaale Weydiistay Jaalliyadaha Dibadaha

Hargeysa (Haatuf): Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shalay soo saaray baaq ay ururada iyo jaaliyadaha Reer-Somaliland ee debedaha ku dhaqan kaga dal-banaayaan taageero dhaqaale oo wax lagaga qabto hawlaha doorashooyinka, isla markaana waxay guddiga doorashooyinku dadweynaha Reer-Somaliland ee gudaha dalka ku dhaqan iyo ururada siyaasaddaba ka codsadeen inay isu diyaariyaan hawsha doorashada.

Qoraal ay guddigaasi saxaafadda u qaybiyeen waxay ku sheegeen in loo baahan yahay taageero dhaqaale oo lagu fuliyo barnaamijyo ay guddigaasi sheegeen in lagu wacyi-gelinayo dadweynaha iyo weliba kharash lagu marti gelinayo goobjoogayaal caalami ah.

“Komishanka doorashooyinku, iyaga oo ka Shidaal qaadanaya go’aankii cayimidda waqtiga doorashada golayaasha degaanka ee ku taariikhaysanaa 25 Julay 2002, taas oo doorashada koowaad lagu asteeyey 27-ka Oktoobar 2002, isla markaana ku xisaabtamanayna baaxadda hawshani leedahay, maankana ku hayna ahmiyadda iyo istaraatijiyadda qaran ee ay doorashadu leedahay, waxa lama huraan noqotay inaanu soo jeedino tilmaamahan” ayey guddigu ku yidhaahdeen baaqooda, waxayna ugu horayn, iyaga oo la hadlaya ururada iyo jaaliyadaha debedda yidhaahdeen “Anaga oo xusuusan kaalinta lama ilaawaanka ah ee had iyo jeer ka qaadataan dhismaha Qaranka Somaliland dhinac kasta, waxaanu idinku war-gelinaynaa inay inagu soo fool leedahay mid ka mid ah doorashooyinka xorta ah ee xalaasha ah (Ta dawladaha hoose), sidaa darteed waxa uu guddiga doorashadu si xushmad leh idiinka codsanayaa inaad gacan buuxda ka geysataan qoddobadan soo socda”. Laakiin guddigu, iyaga oo tilmaamaya waxyaalaha ay ka rabaan dadka debedaha waxay yidhaahdeen “ taageero dhaqaale oo lagu hirgeliyo wacyi-gelinta dadweynaha iyo kharash lagu marti geliyo goob-joogayaal caalami ah”, laakiin haddana, iyaga oo tilmaamaya sababta ay lacagta ay waydiinayaan waxay yidhaahdeen “Sababtu waxay tahay, iyadoo aan lagu xisaabtami karin kaalmo caalami ah oo aan gacanta ku jrin ama dib uga dhici karta waqtigii loo baahnaa”, waxayna guddigu qoraalkooda ku sheegeen inay goob-joogayaasha caalamiga ahi muhimad weyn u leeyihiin doorashada, sidaa darteed bay yidhaahdeen waa inay jaaliyadaha debeduhu dabada ka soo riixaan sidii ay u iman lahaayeen goob-joogayaasha caalamiga ahi.

Dhinaca kalena guddiga doorashooyinku, iyaga oo la hadlaya dadka dalka gudihiisa ku nool iyo ururada siyaasadda waxay yidhaahdeen “ loollanka ururada siyaasadeed iyo cod-bixinta oo ah xuquuq distooriya waa inuu muwaadin-kastaa u fahmo inay yihiin ambaqaadkii geedi socodka dimoqraadiyadda, ayna ka reebban tahay awood sheegasho iyo ismaan-dhaaf inaga weecin kara hadafka iyo himilada aynu higsanayno, sidoo kale waa in laga taxadero, loona toog-hayo faro-gelinta cadaw debedeed”, waxayna guddigu qoraalkooda ku soo gebogebeeyeen “ Xukuumadda, golayaasha Qaranka, ururada siyaasadda iyo dadweynaha dhammaantood waa inuu mid kastaa ka soo dhalaalo waajibka qaran ee ka saaran diyaarinta saaxadda doorashada, isla markaana waa in meel looga soo wada jeesto falkasta oo dhaawici ama khal-khal gelin kara nabadgelyada aduun-weynuhu inagu kuunyo”.

Shir-Hawleed Lagu Gorfaynayo Dhibaatooyinka Magaalooyinka Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Shir-hawleed muddo laba maal-mood ah soconaya oo lagu gorfaynayo dhibaatooyinka ka jira magaalooyinka Somaliland iyo sidii loo sugi lahaa mudnaanta ay kala leeyihiin baahiyaha magaalooyinka, isla markaana loo xaqiijin lahaa wada shaqaynta iyo iskaashiga dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ee Somaliland ayaa shalay ka furmay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana shirkaa ka qayb qaadanaya ilaa 62 qof oo isugu jira, maayarrada magaalooyinka Somaliland, hawl-wadeeno iyo wakiilo ka kala socda NGO-yada wadaniga ah, hayadaha samafalka iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah oo ay EU-du ka mid tahay iyo  masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha iyo hayadaha dawladda dhexe ee Somaliland.

Hayadda UN-HAPITATE oo ah hayad caalami ah oo ka shaqaysa qorshaynta magaalooyinka ayaa shir-hawleedkan daadihinaysa, waxaana furitaankii shirkaa ka qayb galay qaar ka tirsan wasiirada xukuumadda Somaliland, iyadoo uu wasiirka qorshaynta, Axmed Xasan Caafi shirkaa furay, isla markaana waxa ka mid ahaa wasiirada furitaanka shirkaa ka qayb galay wasiirada hawlaha guud iyo macdanta iyo biyaha (Yuusuf Caynab iyo Maxamed Cabdi-malow) iyo weliba wasiir-kuxigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga (Cabdi Cali Mahdi iyo C/raxmaan Maxamed Cajeb), laakiin Wasaaradaha hawlaha guud iyo macdanta iyo biyaha ayaa ka mid ah hayadaha dawladda ee sida joogtada ah uga qayb qaadanaya shir-hawleedkaa.

Qaar ka tirsan maayarada ayaa shirka ka jeediyey war-bixino ku saabsan dhibaatooyinka iyo baahiyaha ka jira magaalooyinkooda, waxaana maayarada war-bixinahooda dhiibtay ka mid ahaa, Boorame, Berbera iyo Burco. Waxa kale oo halkaa war-bixino iyo doodo ka dhiibtay masuuliyiin iyo hawl-wadeeno kala duwan oo Somaliland iyo ajnebiba isugu jira, waxaana ka mid ah arimaha sida gaarka ah loogu lafagurayo dhibaatooyinka jira iyo sida ay u kala mudan yihiin iyo weliba sida loo qorshaynayo, iyadoo arimaha halkaa lagu xusay ay ka mid yihiin baahiyaha ka jira dhinacyada biyaha iyo wadooyinka iyo weliba baahiyaha kale aasaasiga ah, sida caafimaadka, waxbarashada IWM., iyadoo marka hore daraasad lagu samayn doono baahiyaha iyo xaaladaha nololeed ee dabiiciyan ka jira benderada Somaliland, taas oo magaalo walba loo samaynayo diiwaan ay ku sajelan yihiin baahiyaheeda aasaasiga ah, duruuufaheeda iyo xaaladaha degaan ama jog-raafi ee ay ku sugan tahay, waxaana markaa baahiyaha loo qorshaynayaa sida ay mudnaanta u kala leeyihiin magaalo walba gaarkeeda.

Shir-hawleedkan iyo daraasadda lagu samaynayo xaaladaha benderada Somaliland waxa uu gogol-xaadh ama hordhac u yahay barnaamij caawimo ah oo la sheegay inay EU-du ugu talo gashay dhulka Jamhuuriyaddii Somaliyeed oo ay Somaliland ka mid tahay, iyadoo la sheegay inuu ururka midowga Yurub (EU) qorsheeyey ilaa 140 Milyan oo doolarka oo Maraykanka ah oo ay ugu talo galeen in shanta sannadood ee soo socda lagu fuliyo mashaariicda dhulka Jamhuuriyadii Soomaaliyeed. Waxaana suurtagal ah in mashaariicda ururka midowga Yurub u qorsheeyey Somalida ay Somaliland ka hesho saami waafi ah sababo dhawr ah dartood.

Weftigii Reer Muqdisho Oo La Filayo In ay Maanta Ka Dhoofaan Hargeysa

Kulamaddii u dambeeyay ee ay ku yeeshaan Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Wefti Reer-Muqdisho ah oo muddo ilaa afar maal-mood ah socdaal ku joogay magaalada Hargeysa ayaa maanta la filayaa inay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho oo ay ka yimaadeen, waxayna weftigaasi mudadii ay joogeen kulamo kala duwan la yeesheen madaxda sare ee dawladda Somaliland, waxaana ka mid ah dhinacyada ay dhawrkii maal-mood ee ina dhaafay la kulmeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo shir-gudoonada labada gole ee baarlamaanka (Guurtida iyo wakiilada), masuuliyiinta sar-sare ee Somaliland kulamada kala duwan ee dhex-maray weftiga Reer-Muqdisho waxay qaybahooda hore dhaceen intii u dhexaysay maal-mihii khamiista iyo jimcaha, iyadoo weftiga Reer-Muqdisho mudadii afarta cisho ahayd ee ay joogeen aanay la kulmin madaxweyne Rayaale, laakiin warar xog-ogaal ah ayaa tibaaxay inay weftiga Reer-Muqdisho kulankoodii u dambeeyey xalay la yeesheen madaxweyne, Daahir Rayaale Kaahin. Hase yeeshee kulamadaa kala duwan ee ay madaxda sare ee dawladda Somaliland la yeesheen weftiga Reer-Muqdisho ilaa hadda labada dhinac mid-na wax war ah oo rasmi ah kama soo saarin, lamana oga waxyaalaha ay labada dhinac ka wada hadleen.

Weftiga Reer-Muqdisho oo ay weriyayaal Haatuf ka tirsani shalay la kulmeen ayaa xaqiijiyey inay la kulmeen madax kala duwan oo ka tirsan dawladda Somaliland, laakiin dibnaha ayey ka xidheen inay daboolka ka qaadaan waxyaalihii ay ka wada hadleen madaxda dawladda Somaliland iyo waxa ay natiijada wada hadalkoodu ku dambaysay.

Weftiga Reer-Muqdisho mar kasta oo la waydiiyo ujeedada socdaalkooda waxay si taxader leh ugu jawaabaan waxaanu Sidney fariin aanu ka soo qaadnay dadka Reer-Muqdisho, laakiin way ka aamuseen inay diirka ka qaadaan fariintaasi waxa ay tahay, “Waxaanu nahay guddi iskood isu xilqaamay, waxaanuna ka shaqaynaynaa sidii ay labada dad (Somaliland iyo Somalida koonfureed) isugu soo dhowaan lahaayeen” ayey ku jawaabeen weftiga Reer-Muqdisho markii la waydiiyey ujeedada socdaalkoodu waxa ay tahay, iyaga oo ka war-wareegay inay qeexaan sida ay doonayaan inay wax isugu soo dhoweeyaan iyo falsafadda ay waan-waantoodu ku salaysan tahay.  Sidoo kale masuuliyiinta dawladda Somaliland horayso iyo dambayso marna may soo saarin wax war ah oo ku saabsan ujeedada socdaalka weftiga Reer-Muqdisho iyo waxyaalaha ay ka wada hadleen toona, isla markaana marar dhawr ah oo aanu xidhiidh la samayna dhinaca dawladda si aanu wax uga waydiino ujeedada weftiga Reer-Muqdisho iyo waxa ay ku saabsanaayeen kulamadii ay la yeesheen way ka gabadeen inay wax ka yidhaahdaan, lamana oga sababta tafaasiil looga bixin waayey ujeedada ay weftiga Reer-Muqdisho dalka u yimaadeen iyo waxa uu ku saabsanaa nuxurka wada hadaladii ay labada dhinac yeesheen.

Waa markii labaad ee ay weftiga Reer-Muqdisho yimaadeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo uu socdaalkoodii hore ahaa horaantii bishii May ee sannadkan, waqtigaas oo ahaa ayaamihii uu geeriyooday madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum, Maxamed X. Ibraahin Cigaal, waxayna weftigaasi markii hore ujeedada socdaalkooda ku tilmaameen inay ka qayb gelayaan tacsidii, laakiin markii dambe waxa uu socdaalkoodu isu bedelay mid siyaasadeed, waxayna kulamo la yeesheen shirgudoonnada labada gole ee baarlamaanka iyo madaxweyne Rayaale. Sidaa darteed weftiga Reer-Muqdisho imaatinkoodan dambe waxa sheegeen inay safarkoodii hore ballan ku kala tageen masuuliyiinta Somaliland, taas oo ay tilmaameen inay dadka Reer-Muqdisho gaadhsiiyeen wixii Hargeysa laga sii faray, iminkana ay dadka Reer-Muqdisho ka sidaan jawaab ay ka soo bixiyeen fariintii ay ka gaadhsiiyeen Somaliland, laakiin waxaas oo dhan tafaasiil kama ay bixin weftiga Reer-Muqdisho iyo dawladda Somaliland toona.

Weftiga Reer-Muqdisho waxay ku andacoodeen inaanay koox, urur iyo dhinac siyaasadeed midna ka socon ee ay yihiin odayaal iskood isu xil-qaamay. Laakiin dhinaca kalena, inkasta oo aan kor loogu dhawaaqin, haddana waxa jira warar tibaaxaya inuu Xuseen Xaaji Bood oo weftiga Reer-Muqdisho hogaaminayaa gudoomiye u yahay guddi uu C/qaasin Salaad Xasan kal hore magacaabay oo uu ku magacaabay guddiga dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, guddigaas oo uu C/qaasin markii hore gudoomiye uga dhigay C/risaaq Xaaji Xuseen waqtiyo hore mar Ra’iisal-wasaare uga ahaan jirey Jamhuuriyaddii Somaliya, balse C/risaaq muddo yar ka dib ayuu xilka iska casilay. Sidaa darteed waxay warar dhinaca Muqdisho laga soo weriyey tibaaxeen inuu C/qaasin, halkii uu C/risaaq iska casilay hoos-hoos ugu bedelay Xuseen Xaaji Bood, sidaa darteed waxay dad badani shaki ka qabaan inay socdaaladooda Somaliland la xidhiidhaan hawlaha uu C/qaasin u igmaday guddigaa, isaga oo C/qaasin-na ugu yaraan hal mar afka ku dhuftay inuu xidhiidh u socdo madaxda Somaliland.    

Cali Khalif Oo Shaqo Macallin-nimo Ka Helay Jaamacad Maraykanka Ku Taalla

Waxaa lagu eedeeyay inuu ka Lunsaday 1 Milyan oo Doollar Maamulka C/qaasim

Macallinkii ugu dambeeyay ee ku Cali Khaliif Galaydh ayaa noqday biira macallimiinta Jaamacadda Minnesota, gaar ahaan mac-hadkeeda Humphrey, ee dalka Maraykanka.

Cali Khaliif waxa uu bilaabayaa inuu hago mas’uuliyadda casharo bixinta. Laakiin hawshiisan macallinimada Jaamacaddu ma aha hawl adag, marka la barbar-dhigo hawlihii uu hayay muddo sannado ah oo uu ka maqnaa xaaskiisa oo deggen meesha loo yaqaan Owatonna oo ku taal Maraykanka.

Cali Khaliif wuxuu Ra’iisal-wasaare u ahaa Cabdiqaasim, wuxuuna tegay Washington isaga oo aad uga soo horjeeday in la weeraro Somaliya waqtigaas oo ahaa kadib weerarkii 11 Sept. 2001.

Xilligaa Cali Khaliif wuxuu ku dooday ah inaan Somaliya hoy u ahayn argagixisada. Hase yeeshee, Madaxweynihii maamulkiisa C/qaasim wuxuu isagu Xamar ku faafinayay warar sheegayay in uu Cali Khaliif 1,000,000 oo dollar ka lunsaday maamulkiisa.

Cali Khaliif waa 60-jir, wuxuuna tegay mac-hadka Humphrey si uu uga noqdo macallin. Muddo 3 sannadood ah wuxuu ku shaqayn doonaa lacag ah $90,000, isaga oo ka dhigi doona mac-hadkaa casharo ah maadooyinka, siyaasadda qaybteeda arrimaha dadweynaha iyo hay’adaha aan dawliga ahayn (NGOs).

Cali Khaliif mar uu ka hadlay shaqada cusub ee uu hadda qabanayo wuxuu yidhi; “Aad baan ugu hanweynahay inaan ku soo noqdo macallinimada iyo casharo dhigista, waxa kale oo aan ku faraxsanahay inaan qaban doono isu soo dhoweynta Somalida iyo Maamulka jaamacaddan.”

Inkasta oo aan si cad loo sheegi karin tirada dadka Somalida ah ee ku nool Minnesota, haddana waxaa la qiyaasayaa inay ku nool yihiin Minnesota iyo magaalooyinka loo yaqaan mataanaha (twin cities) Somali tiradoodu ay u dhaxayso 10,000 ilaa 30,000 oo qof, taas oo ka dhigaysa Minnesota caasimadda Somalida ku nool carriga Maraykanka.

Cali Khalif wuxuu ka qaatay shahaadada Mastrate iyo Dhaktorayt-ka jaamacadda Syracuse ee dalka Maraykanka, wuxuu ahaa sarkaal ka shaqeeya wasaaradda Arrimaha Gudaha dawladdii rayidka ahayd ee ugu dambaysay Somaliya.

Wuxuu madax ka noqday laba wakaaladood oo soo saari sonkorta Somaliya; Jawhar iyo Mareeray.

Sannadkii 1980-kii ayuu noqday wasiirkii wasaaradda wershedaha ee dawladdii Siyaad Barre.

Sannadkii 1982, ayuu Cali Khaliif si deg-dega uga baxay Somaliya, isaga oo rumaysan in jeelka loo taxaabayay, iyada oo saaxiibadiisii kale ee u janjeedhay siyaasadda reer-galbeedka xabsiga loo taxaabay muddo yar kadib waqtigii uu Cali Khaliif ka baxsaday Somaliya.

Baxsigii Cali Khaliif, wuxuu rumaysnaa Siyaaad Barre keligii taliyihii xilligaa xukumayay Somaliya in uu ahaa inqilaab fashilmay oo isaga lagu af-gembiyayay.

Cabdi Samater oo ah Professor wax ka dhigayay jaamacadda Minnesota muddo dheer ayaa ka soo horjeestay shaqada cusub ee loo doortay inuu Cali Khaliif ka qabto casharo bixinta jaamacadda iyo xidhiidhka Maamulka jaamacadda iyo bulshada Somalilada ah ee Minnesota iyo Twin Cities deggen.

Professor Cabdi Samater wuxuu Cali Khaliif u soo qaatay eeda ah in uu lacag kala baxsaday dawladda C/qaasim iyo arrin taa la mid ah oo ah mashruucii sonkorta ee Mareeray.

Laakiin qoraalkii ku saabsanaa arrinta Cali Khaliif ee uu Professor Cabdi Samater u qoray hormoodka mac-hadka Humphery Mr. John Brandl ayaa looga baahday Professor Samater inuu keeno caddaymo la xidhiidha eedaha uu u soo jeediyay Cali Khaliif.

Arrintaas oo markii la caddayn waayay Mr. John taageeray inuu Cali Khaliif shaqadaa ka qabto Humphrey.

Macallimiin Tababar Ugu Xidhmay Magaalada Burco

Burco (Haatuf): 134 macalin oo ka kala socdey saddex gobol oo kala ah: Togdheer, Sool iyo Sanaag ayaa shalay tababar in muddo ah uga socdey magaalada Burco u xidhmay, waxaana munaasibadii xidhitaanka tababarkaa hadalo ka jeediyey madaxda gudoonka waxbarashada Burco iyo masuuliyiin kale oo ka kala socotey Xarunta dhexe ee wasaaradda waxbarashada, Hargyesa iyo weliba hawl-wadeeno ka tirsan hayadda UNICEF.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel Shire waxa uu macalimiintaa tababarku uga socdey dhismaha dugsiga dhexe ee la yidhaahdo Maxamuud Axmed Cali, waxayna macalimiintaasi tababarkaa ku qaateen casharo iyo doodo la xidhiidha kor u qaadidda xirfadaha wax dhigista iyo guud ahaan aqoonta macalimiinta.

“Waxa waajib ah inaynu risaaladdaa gaadhsiino Cidii la inoogu dhiibay oo ah ubadkeenna” sidaa waxa yidhi gudoomiyaha waxbarashada gobolka Togdheer, Ibraahin Maxamed Siciid (Dhego-weyne) oo ka hadlay munaasibadii xidhitaanka tababarka, “Waxaynu nahay Jamhuuriyad aan la ictiraafin, markaa cidda wax la inoogu dhiibaa (Hay’adaha), iyaga uun bay dib ugu noqotaa” ayuu yidhi, Ibraahin-dhegoweyne, laakiin wuxuu intaa ku daray “Macalinka ma kormeeri karno hadii aanu laaluush ka qaadano, waxaanu idiin haynaa lacag $8 doolar ah oo weliba hal doolar la idinka jarayo, anaguna ma qaadanayno ee way na dhaafaysaa”.

Gudoomiyaha waxbarashada Burco waxa kale uu khud-badiisa ku xusay macalimiinta gobolada Sool iyo Sanaag ka timi ee tababarka ka qayb galay, wuxuuna yidhi “hadii aanu nahay reer-togdheer waxaad nagu lahaydeen martiqaad, mana aanu garan-waayin taa, balse awoodda ayaa noo saamixi waydey, markaa waxaanu idinka codsanaynaa inaad noo xil-qarisaan”.

Waxa kale oo, iyaguna halkaa ka hadlay Madaxa qaybta tababarada ee wasaaradda waxbarashada Somaliland, Maxamed Xuseen Coomey iyo Rashiid Xasan oo isna ah hawl-wadeen ka tirsan hayadda UNICEF.

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Madaxda Somaliland Iyo Weftiga Muqdisho: Laba Xaallo Iyamaa Daboolka Saaray Sheekada

Maalinimadii Arbacadii ee Julay 7, 2002 waxa magaalada Hargeysa socdaal ku yimi wefti lix xubnood ka kooban oo Reer-Muqdisho ah, weftigaas oo uu hogaaminayo nin ka mid ah siyaasiyiinta Reer-Muqdisho oo la yidhaahdo, Xuseen Xaaji Bood, isla markaana uu ka mid yahay nin Somaliland u dhashay oo la yidhaahdo, ina Ciise Jaamac Gaade, waxay hadda dalka joogeen muddo afar maal-mood ah, iydoo ay warar xog-ogaal ahi tibaaxeen inay maanta

Hargeysa ka ambabaxayaan, una laabanayaan dhinaca Muqdisho.

Weftiga Reer-Muqdisho intii ay dalka joogeen waxay kulamo la yeesheen madaxda sar-sare ee dawladda Somaliland, waxayna ugu horayn khamiistii doraad la kulmeen xubno wasiiro ah, sidoo kale waxay kulamo, kuwaa ka dambeeyey la yeesheen dhinacyo ay ka mid yihiin, hogaamada labada gole ee baarlamaanka (Guurtida iyo wakiilada), sidoo kalena waxay wararka qaar tibaaxeen inay weftiga Reer-Muqdisho kulankoodii u dambeeyey xalay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, laakiin labada dhinac (masuuliyiinta Somaliland iyo weftiga Reer-Muqdisho) midna wax war ah kama soo saarin arimaha lagu gorfeeyey kulamadaa, isla markaana qoladii wax la waydiiyaaba hoos bay uga foorarsataa su’aasha, iyadoo ay weftiga Reer-Muqdisho si taxader leh u tibaaxeen inay ujeedada socdaalkoodu tahay sidii ay isugu soo dhowayn lahaayeen labda dad (Somaliland iyo Somalida Muqdisho), isla markaana ay dadka Reer-Muqdisho ka sidaan jawaab la xidhiidha fariin ay socdaalkoodii hore ee Somaliland ka sii qaadeen Hargeysa, balse haba yaraatee Madaxa ayey ka ruxeen inay diirka ka qaadaan waxa ay yihiin fariimaha ay isaga dab-qaadayaan Muqdisho iyo Hargeysa.  Sidoo kale masuuliyiinta Somaliland ayaa, iyaguna dhinacooda aan ilaa hadda juuq ka odhan ujeedada socdaalka weftiga Reer-Muqdisho iyo waxyaalihii ay ka wada hadleen, iyadoo ay weftiga Reer-Muqdisho sheegeen inay dalka ku yimaadeen ogolaansho ay ka heleen madaxda dawladda Somaliland. 

Marka laga yimaado maal-maha hore ee ay sheekadu ceedhin tahay ugu dambayn ilaa shalay waxay saxaafaddu filaysay in inta uu doono warku ha qaro le’ekaadee wax laga yidhaahdo ujeedada imaatinka weftiga Reer-Muqdisho iyo kulamadii dhex-maray madaxda Somaliland, laakiin weftiga Reer-Muqdishona afkooda ayey xidheen, sidoo kalena madaxda Somaliland cidna juuq uma odhan ilaa hadda, mooyi inay masuuliyiinta Somaliland ambabaxa weftiga ka dib war soo saari doonaan iyo inkale, taas oo, iyana noqon karta ciyi waa ka beryey.

Sidaa darteed markii muddo afar maal-mood ka badan dhinacna juuq laga waayey, isla markaana ay intaa shirar socdeen, sidoo kalena ay dhamaatay booqashadii weftigu saxaafadda iyo dadka kale ee arimaha u dhuun-daloolaba waxay iswaydiiyeen su’aal, taas oo ah hadii ay booqashada weftiga Reer-Muqdisho iyo kulamada lala yeeshayba ay yihiin sheeko caafimaad qabta oo ay maslaxadi ku jirto maxaa warka hulaabta loo saaray, laakiin macnuhu ma aha in lala yaaban yahay imaatinka weftiga Reer-Muqdisho iyo kulamada ay masuuliyiinta Somaliland la yeeshaan toona, balse su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay, maxaa sheekada calal-aqilu tibaax guud looga bixin waayey, hadii la doono arimaha qaarkood farsamo ahaan haloo asturee.

Hase yeeshee Somalidu waxay tidhaahdaa “War jiraaba cakaaruu iman” iyo weliba odhaah kale oo ah “wwixii lagu faqaa fagaaraha ayuu yimaadaa”, sidaa darteed hadiiba ay dhinacyada wada hadlay sidaa juuqda ku jaraan, waxaynu leenahay wixii lagu faqaaba fagaaraha ayuu iman, laakiin waxa, iyana su’aal kale noqon karta, laba sababood midkee baa arinta hulaabta loo saaray, ma wax aanay dadka halkan (Somaliland) ku nooli raali ka ahayn baa laga wada hadlayey, sidaa darteed baa loogu dhici-waayey in sheekada daaha laga faydo, mise waxa jirta masaaliix oodo-dhacameed laga gurayo oo la is leeyahay ilaa inta ay arintu meel la yaqaan isa soo taagayso ha ku sayaxina, laakiin arintu sida ay doonto ha ahaatee, waxaynu doodda ku soo afjaraynaa, war jiraaba cakaaruu iman.

Wefti Itoobiyaan Ah Oo Socdaal

Ku Tegaya Dalka Sucuudiga

 

Riyadh (Al-Sharqul-awsad): Wefti sare oo ka socda dawladda Itoobiya uuna hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Jiirmo Biiro ayaa lagu wadaa inay maanta socdaal ku tagaan dalka Sucuudiga si ay masuuliyiinta dalkaas wada hadal ugala yeeshaan sidii xoolaha nool ee Itoobiya loogu furi lahaa suuqyada Sucuudiga. 

Sida uu qoray Wargeyska Al Sharqul-Awsad) oo ka soo baxa London waftiga ka socda Itoobiya waxay wada hadalo muhiim ah la yeelan doonaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawladda Sucuudiga sida Wasiirka Ganacsiga iyo Madaxda Rugta Ganacsiga ee Sucuudiga oo ay isla soo qaadi doonaan sii xoojinta xidhiidhka Ganacsi ee ka dhexeeya labada dal. Sidaana wuxuu wargeysku ka soo xigtay safiirka Itoobiya u fadhiya Sucuudiga Mahdi Axmed Cali oo ka waramay ujeedada Socdaalka waftiga Itoobiya.

Waxaanu intaa ku daray in ay waftigu ahmiyada koowaad ee wada hadalkooda siin doonaan sidii suuqyada Sucuudiga dib loogu furi lahaa xoolaha nool ee Itoobiya.

Waxaana lagu wadaa in taasi ay dhakhso u dhaqan gasho marka ay waftiga Itoobiya dhamaystaan booqashadooda heshiis arrintaa ku saabsan ay la galaan dawladda Sucuudiga.

Booqashada waftigan Itoobiya waxa ay ka dambaysay, iyadoo dhawaan wararku sheegeen inuu sucuudigu xayiraadii ka qaaday xoolaha Itoobiya oo ka mid ahaa dalalka ay saamaysay xayiraadii uu sucuudigu ku soo rogay xoolaha nool ee dalalka geeska Afrika sanadkii 2000.

Qarax Ka Dhacay Caasimadda Dalka Yemen

Sanca (W. Wararka) – Laba qof ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii uu shalay qarax ka dhacay caasimadda dalka Yemen ee Sanca.

Qaraxan oo la sheegay inuu ka dhacay guri ku yaala dhinaca koonfureed ee caasimadda ilaa hadda ma cadda sababta dhalisay.

Ciidanka Booliska ayaana deg-deg ugu gurmaday iyaga oo xidhay aaga goobta uu qaraxu ka dhacay, haatana waxa socda baadhitaan ku saabsan sababtii qaraxa keentay iyo cidii ka dambaysayba.

Caasimadda Yemen ee Sanca ayaa la sheegay in muddooyinkan dambe ay ka dhaceen qaraxyo is daba joog ahi, kuwaas oo lagu eedaynayo urur qarsoodi ah oo isku magacabay; “Ansaaru Al-qaacida”. Kuwaas oo dalbanaya inay xukuumaddu sii dayso 172 qof oo ay xukuumaddu xabsiyada u taxaabtay, iyada oo lagu eedaynayo inay ka tirsan yihiin Ansaaru-Al-qaacida.

Dawladda ayaa muddooyinkan dambeba waday olole lagula dagaalamayo waxa loogu yeedhay argagixisada. Madaxweynaha Yemen ayaana dhowaan magacaabay guddi ka shaqaynaysa la dagaalanka Argagixisada.

Kooxo Ciidamada Al-Qaaciida

Ka Tirsan Oo Galay Dalka Baakistaan

Islamabad (W.Wararka) - Wararka ka soo baxaya dhinaca Pakistan ayaa sheegaya inay ciidamada ururka Al-Qaacida galeen goobo ka tirsan dalkaasi oo xiga dhinaca Afqaanistaan, iyaga oo isku diyaarinaya weerar ay ku qaadaan xukuumadda laga dhisay Afqaanistaan.

Warku waxa uu intaa ku daray in xoogaga Al-Qaacida oo aan tiradooda la garanayn ay u talaabeen dhinaca Pakistan, halkaas oo ay isku urursanayaan sida loo malaynayo iyaga oo isku diyaarinaya weerarka la sheegay inay damacsan yihiin.

Hase yeeshee, wasiirka Gaashaan-dhiga ee Maraykanka oo wax laga weydiiyay arintan ayaa sheegay in aanu caddayn u haynin warka sheegaya in ay ciidamo ka tirsan Al-qaacida ay soo galeen Pakistan. Isaga oo intaa ku daray in aanu xaqijin karayn warkan, balse ay xaqiijintiisa ku hawlan yihiin.

Warar laga helay sirdoonka Pakistan ayaa isna sheegay in loo malaynayo in xubnaha Al-Qaacida ay gacan ka helayaan ururada u dagaalama madax-bannaanida Kashmir.

Ilaa hadda ma cadda in xubnaha soo galay Pakistan uu ku jiro Usaama bin Laden oo hoggaamiye u ah Al-qaacida.

FAHAMKA CAAFIMAADKA

Cumar Daahir Cumar

Diinta Islaamka Iyo Tallaalka

Farriinta UNICEF

Diinta Islaamka ma laha aragti gaar ah oo ku Aadan caafimaadka Carruurta iyo haweenka, kana duwan bulshada inteeda kale, balse waxay siisaa ahmiyad gaar ah maadaama ay isku nool yihiin.

Ilmuhu marna uurka hooyadii marna oogadeeda ayuu ku kor nool yahay, ilmuhu wuxuu la soo dhashaa awood uu iskaga difaaci karo cudurada halista ah qaar ka mid ah. Wuxuuna naaska hooyadii ka helaa nafaqada isu dheeli tiran oo koritaanka jidhkiisa ku lug leh.

Mar haddii ay isku nool yihiin, hooyadiina ay tahay xanaaneeyaha ilmaha, shareecadu waxay qabtaa in xannaano gaar ah la siiyo, iyadoo la ilaalinayo cuntadooda nadaafadooda iyo daawadooda.

Shareecada Islaamku waxay qabtaa in wax kasta oo dhibaato ka imanayso in laga hortago. Culimaduna waxay qabaan in tallaalku yahay ka hortag.

Sheekh Ismaaciil Dheeg oo arrintan ka hadlaya wuxuu yidhi “xilligii nebigeena Maxamed (NNKHA) Quraanka iyo Axaadiista noogama muuqato inuu jiray taallaal nooca maanta la isticmaalo oo kale ahi, hase ahaatee shareecada islaamku waa ay ogoshahay ka hortaga, tallaalkuna waa nooc ka mid ah ka hortaga”.

Shareecaddu waxay xaaraantimeysay wax kasta oo dhibaato qofka u keeni kara oo ay ka mid yihiin Khansiirka hilibkiisa, Meydka, oo la cuno, dhiiga oo la cabo iyo nadaafad xumada, waxayna dhiirigalisaa wax kasta oo aadamaha ka ilaalinaya waxyeelada, sida nadaafada oo kale.

Sheekh Ismaaciil-na wuxuu tusaale u soo qaatay labadan xadiis. Nebigeenna (NNKH) wuxuu yidhi “dahaarada ama nadaafadu waa iimaanka badhkii” nabigeenna waxa kale oo uu yidhi “Bani aadamku ma buuxiyo weel ka shar badan calooshiisa”.

Shareecadda Islaamku waxay qabtaaa in dadka cudurada khatarta ah ee la kala qaado qaba iyo kuwaan qabin in la kala ilaaliyo. Waxayna tani tahay nooc ka mid ah ka hortaga.

Rasuulkeenii (NNKH) waxa uu yidhi “waxa aad uga orodaa oo aad uga fagaataa ka juudaanka qaba, sida libaaxa aad uga cararto”.

Shareecada Islaamku wey waafaqsan tahay ka hortaga, sidaa darteed wax kasta oo cudur looga hortago oo aan xaaraan ahayn, shareecadu wey soo dhawaynaysaa. Rasuulkuna wuxuu yidhi “ninkii walaalkii wax ku anfici kara ha ku anfaco”.

Sheekh Ismaaciil Dheeg isagoo arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi “tallaalku waa ka hortaga, in leys tallaalana waa lagama maarmaan, waxa kaliya ee haboon waa in la hubiyo in tallaalku soo maray tijaabo casri ah oo la soo hubiyay”.

Mar haddii shareecadu aragto in tallaalku yahay ka hortag, sidaasna u fasaxayso, ma muuqato wax iska hortaagaya in laga tallaalo Carruurta cudurada faafa.

Carqalada maanta jirtaa ma aha sida culimadu sheegayso shareecada Islaamka oo ka soo horjeeda tallaalka, balse waa dadka ka soo horjeeda oo intooda badani, si wanaagsan u garanayn diinta.

Ma aha arrin la iska idha saabayo in ay jiraan rag culimo ah oo aaminsan ogna waxay diintu ka qabto tallaalka inay ka shakisan yihiin fayo qabka tallaalka dibadda laga keenay. Waxaase walaaca laga saari karaa iyadoo Wasaaradda caafimaadka iyo masuuliyiinta oo ay hormood u yihiin dhakhtarada oo bulshada ka wacyi galinaya sidaa loo soo saaro, warshadaha soo saara iyo sida loo hubiyo in tayadoodu wanaagsan tahay.

Waxa iseeydiin leh una baahan jawaab, mar haddii wax la cunayo in laga hortago gaajada, waxna loo baranayo in jaahilnimada laga baxo, waa xaqiiq aan la diidi karin in waxa la iska tallaalayaa ay tahay ka hortaga cudur, culimada, kaalinta ay ka qaadan karto dhiiri gelinta iyo kor u qaadista tallaalkan, waxay la mid tahay ta ay ka qaataan marka arrin kasta oo waxtar leh ku baraarujinayaan Shacbiga.

Culimada oo fahamsan, og waxtarka tallaalka u leeyahay Carruurta, qoyska, iyo mujtamaca kuna dhiiri gelinayaan in ay Carruurta tallaalaan.

Warbaahinta oo maqal, qoraal iyo muuqaal iskugu jira khudbadaha jimcaha iyo muxaadaraadkay culimadu qabtaan masaajiida dugsiyada iyo goobaha lagu kulmayo ayay u adeegsan karaan inay dadka u sheegaan in shareecada islaamku ay waafaqsantahay tallaalka.

Culimadu waxay ka dhaadhicin karaan in qaddarku yahay wax jira oo la rumaysan yahay, loona baahan yahay in sabab lala yimaado, natiijada ka dhalanaysa loo daayo Ilaahay. Waxay taasi la mid tahay ninkii hasha/awrka watey ee u yimid Rasuulka ee ku yidhi “Rasuul allaw, neefkan ma dabradaa mise Ilaahay baan tala saartaa?  Ee Rasuulkuna ugu jawaabay intaad dabarto Ilaahayna talo saaro”

Culimadu waa dadka sida ugu hawl yar uga hortegi kara dadka sida qaladka ah u fasira, waxayna waajib saaran gudan karaan iyagoo og inay mujtamaca wax u tarayaan aan ka qarin, mar haday og yihiin khatarta ay u leedahay hadday waxay og yihiin dadka ka qariyaan.

Shareecadu wax kasta oo la xaaraantimeeyay waxay sheegaysaa inay leeyihiin ka hortag tallaalkuna mar hadduu yahay ka hortag shareecadduna waafaqsan tahay Islaamkuna wuu soo dhaweynayaa, ee tallaal Carruurta.

Dhakhtar Ku Guulaystay Inuu Kala

Jarro Mataano Dhashay Iyagoo Isku Yaalla

Dhakhtar qaliin oo ka hawlgala Isbitaal Carruurta lagu daweeyo oo loo yaqaan ULCA’s Mattel oo ku yaal Los Angels ayaa ku guulaystay in kala fujiyo laba mataanood oo hablo ahaa oo da’doodu ay ahayd (1) sano una dhashay Gautmilla (Laatiin Amerika) deegaanka ku yaal dhulka miyiga ah.

Dr. Houman Hemmati oo ah dhakhtarka ku guulaystay qaliinka labada hablood ee mataanaha ah oo dhacay dabayaaqadii todobaadkii hore wuxuu qaatay 20 saacadood.

Dr. Hemmati ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Rueters in uu qaliinka labada hablood ee mataanaha ahi ka fududaaday sidii ay dhakhaatiirtu filayeen, sababtuna ay ahayd, iyadoo labada hablood ee madaxoodu u isku yaalay ay laba maskaxood oo u kala gaara ay lahaayeen, waxaa kale oo uu Dr. Hemmati sheegay in ay labada mataanood hada caafimaadkoodu wanaagsanyahay, iyo in ay hadda yihiin laba qof oo uu mid waliba gaarkiisa u nool yahay, maskaxahoodana uu mid waliba maskax gaara leeyahay iyo in dhakhtaradu ay kala saaraan madaxii iyo diirkii ay labada hablood, ee mataanaha ahi ay wadaagayeen.

Inkasta oo maskaxaha labada hablood ay si gaara mid waliba u shaqaynasay oo mataan waliba ay lahayd halbowlayaal dhiiga geeya maskaxda, haddana waxaa jiray xidido dhiig oo dhiiga u gudbinayay mataanta kale.

Sida ay sheegayaan diiwaanada lagu keydiyay mataanaha isku yaal waxaa la sheegay in ay tahay xaalad la arko (200,000) ee dhalashaba mar dhalashada Carruurta mataanaha ah.

Laakiin mataanaha madaxa iskaga yaal oo loo yaqaan (craniopagus twins), waxaa lagu qiyaasay inay noqdaan 2% tirada ah (200,000) laba boqol oo Kun oo ah dhalasho carruur nool.

Qiyaas la diiwaan galiyay oo ah dhalashada mataanaha nooca madaxa iskaga-yaal oo ah 40-50 mataanood waxa gaadhay da’da (5) jir tiro noqonayso15% (Boqolkiiba shan iyo Toban) iyadoo mataano qudha oo ah (craniopagus) ay gaadheen da’da qaan-gaadhka.

Sida uu sheegay dhakhtar, Moise Daniolapour oo ah agaasime qaabilsan arrimaha caafimaadka Carruurta gaar ahaa dhinaca maskaxda iyo madaxa.

Dr. Danielpour wuxuu sheegay in horumarinta farsamo ee la gaadhay 10kii ilaa 15kii sanadood iyo qaliinada loogu diyaar garoobayo, qaliinka muhiimka ah inay keentay ku guulaysiga 65% ilaa 25% ee sanadahan danbe lagu guulaystay qaliin lagu kala furayo mataano dhashay iyagoo iskaga yaal xubnahooda jidhka qaarkood.

Labada mataanood ee lagu sameeyay qaliinka waxaa dhashay haweenay la yidhaa Leticia Alba oo ku sugnayd Los angels tan iyo bishii May ee sanadkan oo ay haysay labada hablood ee mataanaha ah ee dhashay iyagoo labadooda madaxa isku yaalaan, wajiyadooduna ay rogan yihiin.

Wenceslao ayaa isna ah aabaha dhalay labadan hablood oo ay isaga iyo xaaskiisu ay wada jir ugu qaadeen labada mataanood xiligii la gaynayay qolka qaliinka ee isbitaalka UCLA, sida uu sheegay Cris Emnleton oo madax ka ahaa koox si mutadacnimo ah qaliinkan ugu caawisay.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Hallala Xisaabtamo Hay’adaha Sama-Falka

Inagoo lawada socana in Jamhuuriyada Somaliland ay soo martay marxalado farabadan mudo laga joogo 11 sanadood ee aynu ku soo guryo noqonay dalkeena hooyo ee Somaliland ilaa intaas oo dhan aynaan aqoonsi ka helin Caalamka oo aynu imika uun madaxa la soo kacayno, oo wadankeena u marayo marxalad xasaasiya oo ay nagu soo food leeyihiin doorashooyinkii, dawladaha hoose, iyo kuwii madaxweynanimada oo waxa Caalamka afkooda ka soo yeedhayay haddii ay Somaliland doorasho xalaali ka dhacdo aqoonsigaad helaysaan, taas oo marxuumkii aynu midhihiisii cunayno alle ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal uu geed gaaban iyo mid dheerba u soo fuulay sidii uu Somaliland aqoonsi ugu heli lahaa laakiinse kuma guulaysan Haddaba waxay su’aali ka taagan tahay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ma suuro galin doonaa doorashooyin xalaala Mise?—

Sida dadku la wada socdaan Madaxda afrikaanka ahi ilaa kursiga dhiig ku daato si bilaa hagar daamo ah, ugama dagaan xukun jacayl awgii markaa Daahir Rayaale Kaahin, ma raaci doonaa tubtii Madaxda Afrika, inagoo la wada socona haddii doorasho xalaalli ka dhacda dalkeena ay dhalin doonto aqoonsi “recognation.”

Haddaan u soo noqdo mawduucayga, sidaynu la wada socono waxaa dalkeena buux-dhaafiyay hay’ado ajaaniba oo aan la garanayn waxay qabtaan, iyadoo ujeedada keliya ee ay dalkeena u yimaadeen ay tahay inay caawiyaan Haddaba inkastoo waxoogaa fara guudkood ah ay bixiyaan haddana sidii la rabay wax uma bixiyaan waayo, ma jirto cid la xisaabtantaa oo u kuurgasha sidii loo daba geli lahaa taasina waxay keentay in hay’aduhu lacagtii loogu tala galay in ay dalka wax ugu qabtaan ay u bedelaan weji ay ku lunsadaan lacagtii dalka wax loogu qaban lahaa kaasoo loo bixiyay siminaar oo ay kolba meel ku qabtaan. Taasina waa jilayc ay ka arkeen dawladeena curdinka ah ee kow iyo Toban jirsatay ee la xisaabtami weyday “Ishiisa laga arkaa ushiisaa lagu dilaa”

Waxaan shaki ku jirin in dawladda iyo golayaasheeda ay ka warqabaan fasahaadka ay hay’adaha qaar wadaan ee khalkhalka gelin doona diinta Islaamka. Hay’adaha inta fasahaadka wada halaga mastaafuriyo dalkeena aqoonsina imika ayuunbaan inoogu dhaw dhaw halkii safaaradahana waxa ku jira hay’adaha.

Mustafe Cabdi Maxamed (Cusbo) Hargeysa

Gurigiina Hagaajista

Faysal Cali Waraabe hadaladii uu kula hadlay Weftiga Koonfur ka yimid, ayaanu taageersanahay, anagoo ah odayaasha reer Somaliland.

Haddaba, fikrayada iyo aqoontayada, waxaanu leenahay nimanka Xamar nooga yimid ee leh, waxaanu leenahay; “Ma anagaa naloo qarshaa midiyo nalagu qali doono.”

Waxa kale oo aanu leenahay nimankaas, Somaliland waxba idiinkama baahna ee gurigiina hagaajista.

1.       Aadan Maxamuud Farah

2.       Maxamed Cabdi cali

3.       Xuseen Cabdi Faarax

4.       Muuse Ibraahim Cige

5.       C/laahi Cali Cumar

6.       Yuusuf Mire Ducaale

7.       Axmed Yuusuf Samater iyo

8.       C/salam Maxamed Aadan

Aan Tilmaamo Baahiyaha D/Hoose Ee Hargeysa Horyaalla

Hadii aan wax ka tilmaamo waxyaalaha u baahan inay dawladda hoose ee Hargeysa wax ka qabato, waxa ka mid ah:

= Istaamada baabuurtu ka baxdo ee magaalada Hargeysa waxay u baahan yihiin in dib u habayn lagu sameeyo, waayo waxa meelaha qaarkood ka muuqda ar-bush, tusaale ahaan Istaanka Heegada baabuurtu waxay goysaa wadada dadku maro, sidoo kale Istaanka Berbera looga baxo waxa dadka ka haysata dhibaato, waxayna dhibaatadaasi tahay, iyadoo ay hal mar isa taagayaan ilaa shan tagsi, kuwaas oo uu mid waliba laba qof baabuurkiisa saarayo, taasina waxay keentaa inay maanta oo dhan is barbar taagnaadaan oo dadkuna halkaa ku cadib-maan. Sidaa darteed waa inay maamulka dawladda hoose fursad u kala sameeyaan, si ay dadku dhibaatada uga baxaan. Sidoo kale Tagaasida la dhigto istaamada Hargeysa waxa jira qaar badan oo aan lahayn calaamadii Tagsiga ee sharciga ahayd, sidaa awgeed waa in tagsi kasta dhinaca lagaga qoro calaamadda sharciga ah ee tagaasida. Sidoo kale gaadiidka dawladda hoose waa in dhammaantood la mariyaa rinji isku mid ah oo lagu aqoonsado iyo calaamadda dawladda hoose.

= Bacaha jil-jilicsan ee aynu isticmaal-no waxay magaalada ku hayaan fool-xumo weyn, sidaa awgeed si loo basriyo waa in dadka danyarta ah la yidhaahdo soo ururiya, dabadeedna qofkii 100 xabbo oo baco ah soo ururiya waa in la siiyo 500 Sh.Sl, ka dibna lagu wareejiyo dumarka farsamo yaqaanada ah si looga sameeyo Boorsooyin, Xadhko, Dacsado IWM., sidoo kale jiingadaha sida qaabka darran meelaha qaarkood looga dhisay waxay magaalada ku hayaan fool-xumo weyn, sidaa darteed waa in la xagaafo.

= Maalmaha shaqada ee hawl-wadeenada dawladda hoose, gaar ahaan waaxda caafimaadka iyo arimha bulshadu waa inay kormeer joogto ah ku samaysaa suuqyada hilibka iyo khudaarta lagu iibiyo iyo sidoo kale bakhaarada raashinka iibiya iyo sharaablayaasha oo ay qaarkood iibiyaan raashin dhacay ama sharaab dhacay, taasina caafimaad ahaan waa halis, waxayna u baahan tahay in wax laga qabto.  Sidoo kale waaxda caafimaadka waxa looga baahan yahay inay baadhitaano ku sameeyaan saxada qalabka ay ku shaqeeyaan ra’iis-layaasha iyo dadka hilib-dalqaha gooya. Sidoo kale haamaha xashiishka lagu guro oo aad u yar waa in tiradooda la kordhiyaa, lana dhigaa meelaha muhimka ah ee looga baahan yahay oo ah meelaha dadweynuhu ku badan yahay.

=Kuxigeenada gudoomiyayaasha iyo xoghayayaasha waaxaha ama degmooyinka Hargeysa wixii ka qayb qaatay dhul-boobkii sharci darada ahaa waa in shaqada laga eryo, sidoo kale magaalada gudaheedu ma laha biyo-mareeno, waxayna taasi keentay inay laamiyada oo ay markii horeba xaaladoodu liidatay ciidi ka buuxsanto, sidaa darteed waa in habeenkii wixii 10:00-ka ka dambeeya loo diro kuuli nadiifiya. Waxa kale oo jirta jidadka magaalada oo ay intooda badani habeenkii madow tahay oo aan la mari karin waa in loo sameeyo Laydhadh (Security light ).

= Waxa jirta in si qaab xun loo degan yahay xaafadaha State house-ka iyo beerta xoriyadda, sidaa darteed waa in dadkaa loo raraa xaafadda cusub ee Cabdi Iidaan, iyadoo loo baahan yahay in xaafadaana loo sameeyo baahiyaha aasaasiga ah ee ka dhiman, waana in jiidda uu State House-ku ku fadhiyo lagu wareejiyo dayr. Waxa kale oo jirta degmada Gacan-libaax inuu xafiiskeedu ku yaal xaruntii Tiyaatarka ee qabyada ahayd, meeshaas oo aad u cidhiidhi ah, isla markaana fool-xumo leh, sidaa darteed waxaan ku talin lahaa in loo dhiso xaruntii hore ee nabad-sugidda oo ah meesha dhinaca waqooyi kaga soo jeedda xabaalaha Tiyaatarka dhinaca bari ka xiga.

Waxa kale oo aan ku talin lahaa in mustaqbalka meelaha laydhadhka baabuurta kala haga loo samaynayo lagu daro isgoyska Baar togdheer.

Ugu dambayn waxaan rajaynayaa inaad talooyinkaa qaadan doontaan, iyadoo uu dadkuna sugayo sida aad wax u qabataan.

Ismaaciil C/raxmaan Cumar Xaashi, Hargeysa

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Maxay Kala Mudan Doonaan

Arsenal Iyo Liverpool Kulanka Caawa Dhexmaraya

London (Reuters) – Labada kooxood ee Arsenal iyo Liverpool ayay ciyaari ku dhexmaraysaa garoonka Millennium Stadium ee magaalada Cardiff. Kulanka oo sida caadada ah bilowga wax-yar kahor furitaanka xilli-ciyaareed kasta waa mid lacagta ka soo baxda sadaqo loo bixiyo, sannadkana waxaa loo bixiyay magac cusub. Waa markii ugu horraysay muddo toddoba xilli-ciyaareed ah oo aanay Manchester ka soo daahirin garoonkaa.

Waxaa caado ah inay kulankan sannad walba ay haddeer oo kale ku loolamaan kooxda hanata horyaalka waddanka iyo kooxda ku guulaysata koobka FA Cup.

Hase, yeeshee, Arsenal oo sannadkii dhowaa labada koob-ba isku darsatay darteed ayaa loo doortay Liverpool oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka dalka.

Maamulaha Liverpool Gerard Houllier, oo kulanka maanta ka hadlay ayaa tilmaamay inaanu dhayalsan doonin, maadaama buu yidhi la gelayo bilowgii xilli-ciyaareedka cusub.

Labada kooxood ee Arsenal iyo Liverpool garoonkani wuxuu u leeyahay xusuus iyo jewi gaar ah.

Sannadkii 2001 Liverpool waxay ku guulaysatay koobka tartanka, waxayna 2-1 ku garaacday Arsenal kulankii kama-dambaysta ahaa ee FA Cup oo isna halkaa ka dhacay. Arsenal ayaa iyana koobka iyo FA Cup-ka labadaba ka xayuub satay Chelsea oo ay halkaa ku kulmeen bishii May.

Arsenal waxay kulanka bilaabaysaa iyada oo ay halbowlayaal badani ka maqan yihiin. Tony Adams iyo Lee Dixon oo ahaa halbowlaha difaaca ayaa kooxda ka gaboobay, kaalmahoodiina waxaa daboolaya Martin Keown iyo Sol Campell. Hase yeeshee, tabobare Wenger waxaa u muuqata khatar ka dhalan karta ciyaartoyga ka maqan, guud ahaanse marka laga hadlayo Arsenal wuxuu tabobaruhu rumaysan Yahay inuu horumar sameeyay.

Maamulaha Faransiiska ahi weli wuxuu ku guda-jiraa tijaabadii uu ka qaadayay difaaciisa cusub ee Pascel Cygan iyo Brazili-ga Gilberto Silva, oo ah difaac dhexda ka ciyaara.

Waxaa Arsenal dhaawacyo kaga maqan Robert Pires, Freddie Ljunberg iyo Giovanni Van Bronckhorst oo aan weli ka soo kaban dhaawacyo gaadhay. Sidaas darteed, Wenger wuxuu ka fiirsnaayaa cidii khadka dhexe ka caawin lahayd kabtanka Patrick Vieira.

Dhinaca weerarka Nayjeeriga Nwankwo Kanu ayaa ka dhaawacan, sidaa darteed, waxay u muuqataa in Dennis Bergkamp ka gudub ciyaari doono Thierry Henry oo dedaal muujiyay, kadib markii ay wadhi kaga dhacday koobkii adduunka.

Marka la eego Liverpool, Houllier wuxuu ku faraxsan Yahay inuu tijaabiyo xiddigaha cusub ee sannadka ku soo kordhay, kuwaas oo uu ugu horreeyo ciyaaryahanka reer Senegal El-Hadji Diouf oo tallaabo weyn qaaday markuu ka mid noqday xiddiga dunida ugu fiican.

Taageerayaasha Liverpool waxay ku faraxsan yihiin xaaladda labada xiddig ee qaranka England oo ka soo raysay. Weeraryahanka Michael Owen iyo Steven Gerrard ayaa xiise gaar ah u leh.

Sidoo kale, kooxda Anfield waxay si diiran u soo dhaweysay soo laabashada Markus Babbel oo in muddo ahba seed ka heetinayay, halka uu kor u soo kacay wiilka dhallinta yar ee reer Croatia Milan Baros.

Waxyaabahaas oo dhami waxay tusaale u yihiin dhaq-dhaqaaqa cusub ee xilli-ciyaareedkan kooxdu ku tallaabsatay. Labada kooxood ciyaartoyga u kala safanayaa waxay kala yihiin;

Arsenal: David Seaman, Laurent, Martin Keown, Sol Campbell, Ashly Cole, Ray Parlour, Patrick Vieira, Edu, Sylvian Wiltord, Thierry Henry, Dennis Bergkamp.

Liverpool: Jerzy Dudek; Jamie Carragher, Stephane Henchoz, Sami Hyypia, Markus Babbel; Danny Murphy, Dietmar Hamann, Steven Gerrard, El Hadji Diouf; Emile Heskey, Michael Owen.

B. Munich Oo Ku Hawlan Sidii Ay Horyaalnimada U Soo Dhacsan Lahayd

Munich (AP) – Bayern Munich oo dhowaan ku guulaysatay koobkii dib-isu diyaarinta ee Madrid ayaa hadda haysa waddadii ay kula soo noqon lahayd horyaalnimadeeda dalka Germany. Dib isu abaabulka Bayern waxay ka dambaysay guul-darradii kalhore kaga dhacday horyaalka Yurub iyo iyada oo markii ugu horaysay koob la’aan ku dhammaysatay ciyaarihii Germany tan iyo sannadkii 1995.

Xiddigaha ay fursadda u heshay waxaa ka mid ah xiddiga Germany ee koobka aduunka Michael Ballack iyo Brazil-iga Ze Roberto oo ay sii carbuunteen xilli-ciyaareedkii hore oo ay Bayer Leverkusen tartan kasta kaalinta labaad ku dhammaysteen.

Bayern Munich kulanka bilowga tartanka horyaalka Germany (Bundesliga), waxay la yeelatay Borrussia Moenchengaldbach oo ay ku garaacday kulankii furitaanka ee xilli-ciyaareedkii hore.

Dhinaca kale, kooxda sannadkan ku guul-daraysatay labada koob ee dalka iyo horyaalka Yurub ee Leverkusen, ayaan toddobaadkan lagu arag fagaarayaasha waxayna u muuqataa inaanay sannadkan fadalo caddayn. Inkasta oo uu Klaus Toppmoeller kooxda ku soo kordhiyay laba ciyaaryahan oo reer Brazil ah, ilaa hadda lama buuxin kaalintay labadaa ciyaartoy ku banneeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, Bayer waxay iyana la kulantay Eneergie Cottbus oo ay 0-0 ku kala baxeen.

Sidoo kale, kooxda haysata horyaalka ee Borussia Dortmund ayaa iyana la kulantay Jimcihii Hertha Berlin.

Xulka Itoobiya Oo Tababare Cusub Loo Magacaabay

 

Johannesburg (Reuters) – Tabobaraha Germany u dhashay ee Jochen Figge ayaa loo doortay inuu noqdo tabobaraha cusub ee xulka kubadda cagta Itoobiya, sidaana waxa dhammaadkii toddobaadkan ku dhawaaqay sarkaal sare oo dalkaa u dhashay.

Tabobarahani wuxuu jagada la wareegay iyada oo laga gaadhay bilowga tartanka is-reebreebka koobka qaramada Afrika ee 2004, oo kulamadiisii ugu horreeyay ay ka bilaabanayaan Niger 8-da bisha September.

Figge wuxuu shaqadan oo kale hore ugaga soo shaqeeyay waddamo badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Botswana, Zambia, Guinnea iyo Trinidad iyo Tobago. Figge wuxuu beddelayaa Astrat Haile oo xilkii laga fadhiisiyay, kadib markii Itoobiya ku guul-daraysatay laba kulan oo ay dhowaan la yeelatay tartan afar kooxood oo ka dhacay Sudan.

Florence Oo Laga Unkayo

Koox Cusub Oo Heerka Afraad Ah

Florence (AP) – Maamulka magaalada Florence ee dalka Talyaaniga ayaa bilaabaya sidii magaalada Florence looga hirgelin lahaa koox magaaladu yeelato oo ah Serie C2, ama heerka afraad ee kooxaha Talyaaniga, sidaana waxaa go’aamiyay xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga.

Fiorentina oo laga unkay 1926 garoonka Florentia waxaa go’aan laga gaadhay toddobaadkii tegay, kadib markii Fiorentina oo laba goor ku guulaysatay horyaalka, isla markaana horyaalnimada koobka Talyaaniga qaadatay sannadkii 2001, inay bixiso 22 milyan oo dollar si ay u xalaalaysato kaalinta heerka labaad ee Sirie B.

Diego Della oo ah nin qani ah oo magaaladaa deggan ayaa u diyaar ah inuu bixiyo lacag badan oo uu ku kharash-gareeyo sidii koox cusub loogu heli lahaa garoonka. Sidoo kale, Duqa magaalada Florence ayaa isna ku guda-jira olole looga gol leeyahay sidii magaalada ula soo noqon lahayn kaalintii ay ku lahayd ciyaaraha heerka koowaad ee Serie A, iyada oo la marayo waddada ugu dhakhsaha badan uguna suurto-galsan.