Haatuf, Cadadki 135, Aug. 12, 2002
Natiijada Wada-Hadalladii
Dhexmaray Dawladda Somaliland Iyo
Weftigii Muqdisho Oo Daboolka Laga Qaaday
“Haddii la yidhi; Intii dawladaha IGAD u ordayeen Somaliland ha qaadato oo go-goshii ha dhigto, miyaanay Aqoonsi ahayn…”
Dr. Xuseen Bood – Waraysi
Hargeysa (Haatuf): Wefti reer Muqdisho ah oo maalmahanba socdaal ku joogay magaalada Hargeysa, ayaa maanta dalka ka amba-baxaya, kadib markii ay dhammaysteen wada-hadallo ballaadhnaa oo ay la yeesheen Golayaasha Qaranka, Wasiirada iyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin-ba, isla markaana hogaamiyaha weftigaa Dr. Xuseen Bood, ayaa xalay daboolka ka qaaday natiijada wada-hadalladii ay la yeesheen dawladda Somaliland iyo guud ahaanba Ajandihii socdaalkoodu ku qotomay ee ay ugu kala dab-qaadayeen magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, tan iyo bishii May ee sannadkan oo ay safarkoodii ugu horeeyay ku yimaadeen dalka.
Dr. Bood iyo Weftigiisa oo kulankii ugu dambeeyay uu Madaxweynaha Somaliland, xalay ku qaabilay Xarunta Madaxtooyadda, wuxuu wareysi aanu xalay 10:30-kii habeenimo la yeelanay, kaga waramay nuxurka farriin ay dhinaca Somaliland ka qaadeen bishii May oo ay safar kan ka horreeyay ku yimaadeen Hargeysa, iyo jawaabta ay hadda ka sideen dhinaca Muqdisho. Wareysigaasina wuxuu u dhacay sidan:
S: Dr. Xuseen Bood, adiga iyo wefti aad hogaaminaysaaba muddo dhawr maalmood ah ayaad joogteen magaalada Hargeysa, waxaanad wada-hadalo la yeelateen dawladda Somaliland, markaas bal warbixin naga sii waxyaabihii aad ka wada-hadasheen, natiijooyinkii ka soo baxay iyo ujeedadii socdaalkiinaba?
J: Marka ugu horeysa anagu halkan waxaanu nimi saddex maalmood ka hor. Imaatinkayagu wuxuu daba-joogay shir aanu halkan kula yeelanay, Madaxda labada gole ee Somaliland, wakhtigaas oo aanu u nimi ka qayb-galkii aaskii Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Anagu sidaanu horeba u sheegnay, maanaan ahayn xilligaa wefti siyaasad u yimi, laakiin waxaanu u nimi waajib gudasho la xidhiidhay tacsidaa. Laakiin markaanu aragnay masuuliyiinta Somaliland, Madaxweynaha iyo labada Gole intaba, waxay u muuqatay in la-wada-hadlo, lagana wada-hadlo guud ahaan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaanna waxaa loo daadegay arrinta Somaliland. Arrinta Soomaaliya uma baahna in aan hadda wax faallo ah ka bixiyo, maxaa yeelay waa wax muuqda oo waa waxa meesha aanu hadda joogno na gaadhsiiyay. Hase ahaatee Somaliland, waxa aan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa dadkeeda iyo madaxdeedaba heerka ay gaadheen ee nabadda lagu sugay, maamulkana lagu dhisay, maantana ay haystaan bilowgii midhihii loo halgamayay. Run ahaan, anaga Koonfur dhibaato badan baa ka jirta, welina waxaad mooddaa in aanay fari ka qodnayn. Markaas safarkayagii hore, markii aanu madaxda Somaliland wada-hadalnay, waxay ku adkaysteen oo ay na fareen in Somaliland loo aqoonsado ama aanu u ogolaano gooni-isu-taageeda. Anaga taasi waxa ay ahayd fariin nala faray oo naloo farayay dadkii aanu ka nimi ee dhinaca Soomaaliya, waanuna ballanqaadnay. Waayo? Farriin nin loo dhiibay waajibkiisu waxa weeye inuu farriintaa gudbiyo. Sidaa aawadeed, markii aanu Xamar ku noqonay farriintii waxaanu u gudbinay shacbiga reer Muqdisho qaybihiisa kala duwan, ha noqdaan ururro Siyaasadeed, kooxo hubaysan, ururada bulshada, ha noqoto dawladda ku meel gaadhka ah-ba. Dhammaantood markii aanu u bandhignay farriintii aanu Hargeysa ka sidnay, intuba waxa ay isku waafaqeen in loo baahan yahay run ahaantii in tixgelin la siiyo arrimaha Somaliland, hase ahaatee dadku waxay nagu yidhaahdeen, anaga iyo walaalahayo marka la eego, iyagaa maanta deggenaan ku sugan, iyagaa meel lagu wada-hadli karo maanta haysta, si aanu markaa meel wax isula dhigno, waxaanu ka dalbanaynaa in ay iyagu (Somaliland) go-gol noo dhigaan, halkaasna intaanu walaaltinimo ugu wada-hadalno, sidii nala haboonaata markaas aanu ka yeello. Anagu markaas jawaabtaas ayaanu hadda keenay Hargeysa, hase ahaatee madaxda reer Somaliland markii aanu wada-hadalo dheer yeelanay, waxay ugu dambayntii jawaabtoodii noqotay, in aanay suura-gal u ahayn Somaliland in ay dhinacaas go-gol u dhigto, sababo jira awgood wakhtigan. Anagu markii aanu aad iyo aad u doodnay ee aanu isku daynay, anagoo ka turjumayna shucuurtii dadkii aanu ka nimi ee aanu shirinay, haddana warkii wuxuu dhammaaday, iyagoo si furan oo saraaxad leh oo walaaltinimo ah ay noogu sharxeen ilaa Madaxweynaha oo xalay na qaabilay, in aanay hadda Somaliland suura-gal u ahayn in ay go-goshaa noo fidiyaan.
S: Dadka aad sheegtay ee Somaliland ka dalbaday in ay go-gol u fidiso, ma bulshada Koonfurta Soomaaliya oo dhan ku dhaqanbaa, mise waa dadka reer Muqdisho oo keliya?
J: Saldhigga Soomaaliya waa Muqdisho, dhibaatada dhan ee Soomaaliya-na waa Muqdisho, meesha ay ku wada-xidhan yihiinna waa Muqdisho. Dadka ay taladoodu ka go’daana Xamar bay joogaan. Anagu markaa dadkaas ayaanu shirinay oo la hadalnay, sida ururada bulshada, siyaasiyiinta kala duwan, ururada hubaysan, kuwa aan hubaysnayn, dawladda ku meel-gaadhka ah, dhammaantoodba jawaabtii nagaga soo noqotay waxay noqotay isku mid, waana taas aan kuu sheegay.
S: Mar haddii jawaabtaas laydin siiyay, Ajandihii aad beryahanba ugu kala socoteen Muqdisho iyo Hargeysa saw halkaas kumuu xidhmin, mise waxa ay idiin ballanqaaday dawladda Somaliland in xidhiidhkiinu idiin socdo?
J: Waxaanu qabnaa in aanu nahay dad wada dhashay oo xataa haddii ay gooni isu kala taagaan oo ay laba noqdaan, aan marnaba kala maarmayn oo aan kala go’aynin, markastana uu xidhiidhkoodu jiri doono. Markaa, haddee, waa la xidhiidhi karaa mar walba oo wax dhibaato ahi kuma jirto.
S: Waxa aad hore u sheegteen in aydaan ka tirsanayn urur iyo kooxtoona, markaas idinka cidda hawshan idiin diratay iyo cidda aad matalayseen, ee mawqifkan idiin soo igmatay, waa ayo?
J: Waxay ila tahay in aan hore kuugu sheegay, waxaanan ku idhi; waxaanu la kulanay axsaabta kala duwan ha noqdaan kuwa hubaysan ee kooxaha ama dagaal-oogayaasha (Warlords) loo arko iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waliba qaar baa na diiday, laakiin anagu cid aanu dhaafnay lama arko.
S: Markaa ma waxaad leedahay Maamulka C/qaasim iyo kooxaha hubaysan ee kala duwani, dhammaantoodba waxay isku waafaqeen in Somaliland go-gol u dhigto?
J: Dhammaantood waxay isku waafaqeen in ay Somaliland go-gol u dhigto, halkaasna la isku uur xaadho, laguna heshiiyo, wixii labada dhinac dhexyaallana goobtaas lagaga wada-hadlo.
S: Dr. Xuseen Bood, go-goshaa ma waxay doonayaan in Somaliland iyo Soomaaliya ku wada-hadlaan, mise in ay kooxaha Soomaaliya ku wada-hadlaan oo arrimaha xagaa ka jira lagu xaliyo?
J: Markaan ku leeyahay go-gol hala dhigo, Somaliland wax bay na weydiisatay, anaguna wixii baanu geynay Koonfur, jawaabtii laga soo celiyayna waxay noqotay Somaliland go-gol hanoo dhigto.
S: Idinka yaa idin magacaabay gudigiinan?
J: Waxay ila tahay, waa su’aal aan meesha ku jirin taasi, maxaa yeellay, aniga iyo adiga hadda isuguma keen horayso, maalintii horena waanu sheegnay, hadeerna waan ku celinay.
S: Waa su’aal lays waydiinayo ee jawaab iga sii?
J: Anigu shakhsi ahaan, waxaan ahay weligayba nin nabad-doonna, ilaa markii aan Djabuuti ka imi ka hor, wixii ka dambeeyayna anigu waxaan ahaa nin madaxbannaan oo goostay in aan ka shaqeeyo wax alla wixii isu soo dhawaynaya ummadda. Nimankan odayaasha ah ee ila socdana, waxaanu isku lug noqonay, markaanu tacsida u imanaynay Hargeysa, markii dambana halkaasaanu iskaga lug darnay. Laakiin, dad isku xisbi ama isku urur ah maanaan ahayn.
S: Haddaa goormaa isla qaadateen in aad hawshan qabataan?
J: Safarkayagii hore markii aanu Hargeysa nimi ayay ka soo baxday, farriintii aanu halkan ka qaadnay ayaanay hawshayadu ka bilaabmatay.
S: Dr. Xuseen Bood, siday wararku sheegayaan waxaad tihiin Guddigii Dib-u-heshiisiinta iyo Turxaan-saarka Soomaaliya ee uu C/qaasim magacaabay, isla markaana waxa la sheegay in aad adiguna Guddoomiye ka tahay Guddiga oo gashay booskii Guddoomiye-nimo ee uu iska casilay C/risaaq X. Xuseen, miyaanay sidaa ahayn?
J: Waxaan aad iyo aad uga xummahay, horta hadalka la isla dhexmarayaa wayska badan yahay, laakiin anigu waxaan ahay waxaan filayaa qof Soomaali ah oo aan ogeyni in aanu jirin, markaa taadu waa qod-qod. Haddii aan ahay sidaa in aan qariyo, wax igu kalifi karaya ma garanayo. Maalinkasta warbaan sii daayaa, waxaan ku sii daayaa in aan ahay Guddoomiyaha Golaha Wada-tashiga Soomaaliyeed. Golahaasina wuxuu ahaa golihii aan heshiiska nabaddaynta, markii aan xitaa dawladda la heshiinayay, waxaan ku idhi; nabaddaynta aan ka wada-shaqayno, halkaa qodob baanu ku idhi. Markaa hadeer in aad tidhaahdid, C/risaaq booskiisiibaad bedeshay maan filayn, waanan kuu sii caddaynayaa si ay u caddaato, ma ihi, in aanan ahayna ninkaad doonto baad weydiin kartaa, haddii wakiil Xamar idiin jooggana waad iska ogaan karaysaa.
S: Haddii sidaa aad sheegaysaan tihiin oo aad ka shaqaynaysaan nabaddaynta, maxaa u tegi waydeen Puntland, Baydhaba, oo marka hore uga shaqayn waydeen dib-u-heshiisiinta iyo nabaddaynta Soomaalida Koonfureed, halka aad hadda ka imanayseen Somaliland?
J: Meelaha aad sheegayso dagaalada ka dhacay, waxay dhaceen inta aanu hawshan ku dhex jirnay, anagoo hawl ku jirnana mid kale markiiba ma barbar wadi karno. Haddana sidaas oo ay tahay maanaan dhaafinoo, waxay ka mid tahay borogaraamkayaga aanu hadda doonayno in aanu ku tallaabsano, inkastoo ay dhibaato badani runtii jirto.
S: Waxa qorshuhu yahay in Nayroobi kooxaha Soomaaliya shir loogu qabto, markaas mar haddii kaasi jiro, maxaa uga baahan tihiin shir Somaliland idiin qabato?
J: Waxaan qabaa, haddii Somaliland la yidhi, go-goshii bedelka shirka Nayroobi ha dhigto in ay kalsooni iyo u hiillin tahay oo ay sharaftii intii ay cid kale qaadan lahayd,Somaliland qaadato.
S: Dr. Xuseen, marka laga yimaado waxa kale oo dhan, adigu waxaad tahay nin reer Muqdisho ah oo ka soo jeedda qabiilooyinka deegaankaa, cidda Muqdisho isku haysaana waa dadkii aad ka dhalatay ee C/qaasim ka dhashay, ee hoggaamiye-kooxeedyada kale ka dhasheen, markaa dhammaantiin aqoontiina inta aad isku geysaan, miyaad awoodi kari waydeen in aad xalisaan mushkiladda Qabiilkiina dhextaalla, inta aad wax kale ka hadlayso?
J: Horta wallaalow, waxaan jeclaan lahaa mid in aad ogaato, anaga ma aha waxa is dirirrayaa, waxa is-dirirraya duul aan muuqan, lase ogyahay.
S: Waa kuwee kuwaasi?
J: Marka aad eegto arrimaha Koonfurta Soomaaliya, laba qof oo iyagu ikhtiyaarkooda ku dirirsani waa yar yahay, laakiin waxa jira fara-gelin dibadda ah oo farabadan, oo dano badan wada xambaarsan, markaas anaga ma aha waxa heshiin la’, waxaanu idiin leenahay idinka qudhiinana waar kaalaya, haddaa idinka noqotaan, dadkaa fara-gelinta nagu hayaa in ay isku keen dhaafaan ayaa la arkaa, oo ay yidhaahdaan, iyagaa is-doontay oo geedka hoostiisa isugu tageene daaya, oo anagana halkaa nalagaga hadho ayaanu dareemaynaa.
S: Guddi ahaan, ma waxaad leedahay Xuseen, waanu madaxbannaanahay oo cid naga dambaysaa ma jirto?
J: Waa nalaga dambeeyaa, maxaa nalooga dambayn waayay soo shacbi kamaanaan iman. Haddii laga reebo, ma urur, anigu metelan ururbaan ka mid ahay, waa ururka aan magaciisa ku shaqaynaayay, laakiin wakhtigan iyo hawsha aan hadda hayo, kooxdan aan hawsha la wado mabdi’ii ururkayga ayaa horta lagu shaqaynayaa, kaas oo ah Golaha Wada-tashiga Soomaaliyeed. Anagu hadda, kooxdayadani waxaanu isla fahannay in aanu wadno, dhaqaajino, isku dayno in dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan meel kastaba ha noqotee,aanu isku dayno in aanu isku soo jiidi karno. Waana isku day.
S: Dhaqaale la’aan lama socdee yaa markaa idin maal-geliya?
J: Anaga cidi nama maal-geliso.
S: Waxa la sheegayaa in ay jiraan Hay’addo Caalami ah oo aad sidan lacag kaga heshaan, miyaanay jirin taasi?
J: Waxaan ugu baaqayaa nin iyo hay’ad na maal-gelisay hadday jiraan in ay war ku siiyaan oo ay caddeeyaan. Anaga cidi nama maal-gelin ee waxaanu isku xidhxidhanay danahayaga, anagaana iska bixina kharashkayaga, haddana sidaasaanu ku talo-jirnaa. Haddii aanu aragno hay’ado ama shakhsiyaad daacad u ah, waxa aanu doonayno in ay nala doonaan, oo nagu kaalmaynaya diiddimayno oo waxay ku xidhan tahay daacadnimadooda.
S: Haddii aanu u soo noqono wada-hadalladii aad halkan ku yeellateen, ma ku qanacdeen go’aankaa aad sheegtay in ay dawladda Somaliland idiinku jawaabtay?
J: Aad baanu ugu qanacnay. Waayo, jawaab baanu sidnay, midna waa naloo dhiibay, wax alla wixii naloo sheegana waanu ku qancaynaa.
S: Waxa aad qirtay Somaliland heerka ay taagan tahay iyo ka aad ku sugan tihiin in ay aad u kala fogyihiin. Dadka reer Somaliland-na, waxay aaminsan yihiin in haddii Soomaalida Koonfureed ay nasteexaynayso deggenaanshahooda, mar uun la maqli lahaa iyagoo caalamka ku leh, wallaalahayo wax bay qabsadeen oo nabadgelyo ayay haystaane, hala siiyo mashaariic ay ku horumariyaan nidaamkooda. Markaas idinka iyo shacbiga aad ka timaadeen, intaasna ma ku dhawaaqi kari waydeen ee wallaalnimadu hadal afka la iska yidhaahdo uun maaha ee ficilkay ku wanaagsan tahay?
J: Miyaanay kula ahayn, haddii la yidhi; intii dawladihii IGAD oo dhammi u ordayeen, waar idinku qaata oo ku yeesha magac oo go-goshii dhigga, Inaadeerow, miyaanay aqoonsi ahayn. Markaa waxaan qabaa, intaas wixii ka badan ee ay reer Somaliland na weydiistaan in ay tahay … … … … … … … …
S: Haddii-ba Somaliland go-gosha idiin dhigto, ma u malaynaysaa in kooxaha Soomaaliya ee aad sheegaysaa ay go’aan heshiis ah ku gaadhi karaan gudaha Somaliland, aqoonsina ay ugu fidin karaan Somaliland.
J: Anigu waxa aan aad iyo aad u aaminsanahay in ay wax ka soo bixi karaan.
Shirweyne 3-Maalmood Soconaya Oo
U Furmay Urur-Siyaasadeedka KULMIYE
“Waxaan Qabaa In Ururka Kulmiye Noqonayo Ka Miiska Xaadhaya”
Axmed Siilaanyo
Hargeysa (Haatuf): Shirweyne guud oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa shalay uga bilowday urur-siyaasadeedka KULMIYE hoolka shirarka xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxaa shirkaa ka qayb-gelaya ergay tiro badan oo ka tirsan ururkaas oo ka kala yimi gobolada dalka oo dhan.
Kulankaa furitaanka ah ee shirweynaha ururka KULMIYE, waxaa lagu ansixiyay ajandaha shirka, waxaana lagu doortay shirgudoonka hogaaminaya geedi socodka shirka. Shirweynaha ururka KULMIYE oo la soo geba-gebayn doono maalinta Salaasada ah, waxa kale oo lagu ansixin doonnaa dastuurka ururka, isla-mar ahaantaaana waxaa geba-gebadiisa lagu dooran doonnaa Madaxda ururka hogaamin doonta.
Kulankii shalay qodobadii lagaga dooday ka sokow, waxaa hadal dheer ka jeediyay shir-gudoomiyaha shirka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaas oo uu kaga waramay marxaladihii ururku soo maray muddadii yarayd ee uu jiray. Axmed Siilaanyo, wuxuu xusay in ururka KULMIYE heer fiican marayo xafiisyadiisuna gobolada ka wada furan yihiin, waxaanu intaa ku ladhay in wixii hadda ka danbeeyana uu ku rajo-wayn yahay in ururku gaadho heer ka sii sareeya oo ka fiican marxaladda uu hadda taaganyay, waxaanu muujiyay in aanu shaki ka qabin in ururka KULMIYE noqonayo mid gaadha halka ugu saraysa. Axmed Siilaanyo, waxa kale oo uu khudbadiisaa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo nidaamka axsaabta badan ee Somaliland qaadatay. Waxaanu tilmaamay in nidaamka axsaabta badan ee dimoqraadiga ahi uu yahay mid faa’iidooyin badan leh, sidaa aawadeedna wuxuu xusay inuu rajaynayo in nidaamkani Somaliland gaadhsiiyo heer ad uga sareeya halka ay maanta joogto.
Axmed Siilaanyo, wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Ku tallaabsiga lagu tallaabsanayo nidaamka axsaabta badani waa mid horukac ah, bulshadeenu siday u dhisantay waynu ognahay, dalkeenu siduu u dhisanyay waynu ognay, deegaamaynu nahay, beello ayaynu nahay, aynu eegno sidii nidaamkii Siyaad Barre u jiri jiray ee ahaa waynu aasnay qabyaaladdii. Taasi wax maalin laga gudbi karayo maaha, been baanaynu isu-sheegaynaa hadday nidhaahno maantaynu qabyaaladdii baabi’inaynaa. Waxa weeye mid jirta oo wakhtigeeda leh, markaas anagu baabi’inaynaana odhan mayno, laakiin waxaynu ku tallaabsanaynaa heer casri ah oo dimoqraadi ah oo ka hoseeya oo xisbinimo ah oo dadku si kale isu raacayaan oo wax u wada-qabsanayaan oo xukunka dalka u wadaagayaan ayaynu uga gudbi doonnaa insha Allaahu.”
Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu xusay in nidaamka axsaabta badan oo dalku geediga u yahay uu calaamad u yahay ka gudubka nidaamka qabaliga ah, hase ahaatee wuxuu carabka ku dhuftay in ay lama hurraantay in loo hawl-galo, sidii loo dabiqi lahaa nidaamkaa. “Dhulkii Soomaaliya laysku odhan jiray haddaynu eegno, waad la socotaan meelaha qaarkood waxaa ka socda waynu ka war-qabnaa, inaguna maanta waxaynu ka hadlaynaa doorashooyin, is-doorasho iyo axsaab baynu ka hadlaynaa,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Waxaanu intaa sii raaciyay oo uu sheegay in hirgelinta doorashooyinka iyo nidaamka axsaabtu uu saamayn weyn ku yeelanayo, sidii dalku u heli lahaa ictiraaf, sidaa aawadeedna wuxuu carabka ku dhuftay inuu rajaynayo in ay hawshaasi si fiican u hirgasho.
Axmed Maxamed Maxamuud, waxa kale oo uu khudbadiisaa ku xusay in ay jiraan dad badan oo aan fahamsanayn ama aan wax badan ka aqoon arrimaha doorashooyinka iyo habka axsaabta badan ee siyaasiga.
“Meelaha qaarkood waxaa ku arkaysaa dad degmooyin jooga ama gobollo joogga oo dawladda ka wakiil ah oo aad moodo dadka axsaabta kale galay ama u shaqaynaya in ay u arkaan dad mucaarid ah oo ka soo horjeeda oo ay tahay in lala dagaalamo ama awoodda dawladda loogu hanjabo. Taasna waxaanu u aragnaa in aanay mid xalaalla ahayn, waayo? Ururada Siyaasadeed ee maanta abuurmay, waa sharci distoori ah, waxay xaq u leeyihiin wixii qof kasta oo kale oo dalka joogaa xaq u leeyahay.”
Axmed Siilaanyo, mar uu ka hadlayay masuuliyadda hawsha qabashada doorashooyinka, wuxuu sheegay in mar hore ururada Siyaasaddu u wada-tageen guddiga doorashooyinka, isla markaana ay u xaqiijiyeen in ay kala shaqaynayaan wixii hawl ah ee doorashooyinka ku beegan. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaanu ku nidhi; doorashooyinku in ay dhacaan iyo in aanay dhicin idinka oo qudha ayaa ku shuqul leh. Dawladdu waajib bay leedahay, golayaasha sharci-dejintu waajib bay leeyihiin, axsaabtuna waajib bay leeyihiin oo laga sugayaa. Dawladdu waxa weeye miisaaniyadii ay doorashadu u baahnayd in ay diyaariso. Waxa kale oo xil ka saaran yahay in dalka meelkasta nabadgelyadiisa ay hubiyaan maamulkiisana ay hanato dawladdu. Waxa kale oo waajib ka saaran yahay in ay wixii shuruuc ka dhimman in ay horgeeyaan golayaasha sharci-samaynta arrimahaas, ayaa dawladda waajib ka saaran yahay, laakiin dawladdu in ay doorasho qabato iyo in aanay qaban, marka rasmiyan la eego iyada xilkaasi ma saarna.” Wuxuu intaa ku ladhay in axsaabtana looga baahan yahay in ay dadkooda u diyaariyaan doorashada, isla markaana ay sameeyaan wixii sharciyan looga baahan yahay, isuna diyaariyaan doorashada; “Markaas cidda keli ah ee xilku ka saaran yahay in ay hubiyaan oo qiimeeyaan in ay doorasho dhici karayso iyo in aanay dhici karayninba waa waajibkiina ayaa ku nidhi guddiga doorashooyinka.”
Axmed Siilaanyo, isagoo ka sii hadlaya arrintaas wuxuu yidhi; “Guddiga doorashooyinku si fiican bay noogu jawaabeen, waxay yidhaahdeen qiimayn baanu soo samaynaynaa oo waxaanu soo eegaynaa gobolada dhawaan Jaraa’idka waad ku aragteen, guddigu qiimayn bay ku soo sameeyeen gobolada, waxay yidhaahdeen gobolada qaarkood waxay nagu yidhaahdeen marka hore wada-hadal baanu u baahanahay ka bacdi baanu diyaar-garoobaynaa, gobolada qaarkoodna aad bay doorashooyinka u xiisaynayeen oo ay u rabaan in ay dhacdo, balse wax badan ayaa ka dhinaa dhinaca Maamulka, dhinaca nabad-gelyada, hawlo farabadan oo ay dawladda u xilsaarayeen ayay yidhaahdeen waa loo baahan yahay in la joojiyo.”
Wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Intaa dabadeed, markii ay axsaabta arkeen dhinacyo kala duwan arkeen, waa maqasheen wakhtiga ay u qabteen doorashooyinkii dawladaha hoose oo ah Oktoobar 27, 2002. Wakhtigaa wax badani inagama xigaan in ay dawladdu xillalkii uu guddigu saaray ka soo wada-bixi doonto iyo in kale ma ogin, balse waa ku guubaabinaynaa in ay dawladdu intii looga baahnaa ee ay ku suuro-geli lahayd in doorashooyinka la qabto sida ugu dhakhso badan loo dhammays-tiro. Kuma xisaabtamayno in ay fulli waayaan arrimahaasi, laakiin haddiiba ay fuli waayaan, waajibka markaas guddiga doorashooyinka saaran, waxa weeye inta uu wakhtigu wakhti yahay haddii aan la fulin shuruudihii ay ku xidheen doorashooyinka ka hor in la sameeyo in ay iyagu markaas tallaabada loo baahan yahay qaadaan. Hase yeeshee, inagu KULMIYE ahaan iyo axsaab ahaanba, waxaynu gudanaynaa waajibkeena oo ah intii shuruuc laynaga rabay waa gudbinaynaa hawshaa. Markaa waxaynu rajaynaynaa in ay inagu tirada ugu badan ka helo gobolada oo dhan, waxaanan qabaa in ururka KULMIYE uu noqonayo ka miiska xaadhaya, Illaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu inala qabto.”
Ururka UCID Oo Ku Eedeeyay Xukuumada Iyo Ururada Qaarkood Inay bilaabeen Shirar Ay La Leeyihiin Beello
“Nimanka Reer Xamar Ee Inoo Yimid Waxay La Baxeen Guddiga Dib-U-Heshiisiinta Soomaaliya”
Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa canbaareeyay socdaal ay Somaliland ku yimaadeen Wefti ka socday Xamar iyo kulamadii ay la yeesheen Madax ka tirsan dawladda iyo golayaasha baarlamaanka, taas oo uu ku tilmaamay mid sumcad-xumo ku ah Somaliland. Sidaana wuxuu ku sheegay, shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hotelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.
Shirkaa Jaraa’id oo ay guddoomiyaha UCID ku wehelinayeen masuuliyiin kale oo ka tirsan ururkaasi oo uu ka mid yahay, Guddoomiyaha Xisbigaasi ee gobolka Hargeysa Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh), waxa kale oo uu kaga hadlay arrimo kale oo ku saabsan, marxaladda haatan uu dalku marayo.
Faysal Cali Waraabe, isaga oo ka hadlaya arrinta weftiga ka yimid Xamar, waxa uu yidhi; “Nimankan inoo yimid waxay la baxeen Guddiga dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, waxaanay sidaa lacag kaga qaataan hay’adaha caalamiga ah, ujeedadoodu waxay ahayd inay khakhal galiyaan sumcada iyo mawqifka ay adduunayadu u muujisay Somaliland” wuxuu intaa ku daray in aanay ragaasi cidna matalin maadaama aanay wax dawlad ahi Soomaaliya ka jirin, ayuu yidhi sidaa darteedna aanay ahayn in lala kulmo oo la siiyo derejo aanay lahayn.
Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu ka hadlay marxalada uu haatan dalku marayo isaga oo sheegay in xukuumada iyo ururada siyaasada qaarkood ay bilaabeen inay la shiraan dad ka socda beelaha Somaliland taasoo uu ku tilmaamay inay dib inoogu celinayso cahdigii la soo dhaafay “ururada siyaasadu waxay tilmaamayaan inaynu ka baxnay habkii beelaha markaa haddii ay dawladda iyo ururadu beelaha la shiraan waxay dib inoogu celinaysaa cahdigii aynu ka soo baxnay. Sidaa darteed dawladda iyo ururaduba ha joojiyaan shirarka ay la yeelanayaan beelaha” ayuu yidhi Gudoomiyuhu. Balse faahfaahin kamuu bixin kulanada uu sheegay iyo goorta ay dhaceen.
Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu ka hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo uu sheegay inuu ururkoodu taageersan yahay, gudida loo xilsaaray iyo dadka soo galaytiga ee ku sugan Somaliland oo uu ku baaqay in degdeg wax looga qabto. Hadalkaa Faysal Cali Waraabe ka dib, waxaa isna shirkaa jaraa’id ka hadlay Xasan Xaydh, isaga oo si gaar ah usoo qaaday arrinta doorashooyinka “Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wuxuu xilka ku helay, Dastuurka sidaa darteed waa inuu ilaaliyo, sharciga oo aanu jabin” ayuu yidhi xasan Xaydh mar uu ka hadlayay kulanada la sheegay inay dhexmareen, xukuumada iyo xubno ka socda beelaha Somaliland qaar ka mid ah. Waxa kale oo xasan xaydh ka hadlay, ururada qaar oo uu sheegay, in ay muran galinayaan sida ay u qabsoomi karayaan, doorashooyinka dawladaha hoose ee la qorsheeyay, in dhawaan la qabto “Doorashooyinkaasi waa inay u dhacaan sidii qorshuhu ahaa waayo? Waxa inoogu jirta, sumcad weyn oo keeni karaysa in la ina aqoonsado” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray, in ururkoodu diyaar u yahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen tartanka doorashooyinka.
Intaa ka dib Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe waxa la weydiiyay dhawr su’aalood, oo ay ka mid tahay cida la kulantay beelaha iyo goorta ay dhaceen waxaanu yidhi “Beelaha waxa la kulmay dawladda iyo qaar ka mid ah ururada siyaasada, waanay jiraan balse sidaas ahaayeen odhan maayo” mar la weydiiyay waftiga Xamar ka yimid iyo saamaynta ay ku yeelan karayaan Somaliland waxa uu yidhi “Waftigaasi ha tagaan ama ha joogaane, muraadkii ay lahaayeen way gaadheen taasoo ahayd inay ina shaabadeeyaan, taasoo inagu dhacday markay Xamar tagaana waxay doonaan ayay odhanayaan waana mashruuc uu ka faa’iidaysanayo Ismaaciil Cumar Geelle manay ahayn in lala kulmo waayo? Dal baa lala kulmaaye rag qabaa’il ka socda lalama kulmo, oo aanay jirin cid ay matalaan Soomaaliya xidhiidhka aynu la yeelanaynaa inoogama sokeeyo ka aynu la yeelanayno Yugaandha, iyo Itoobiya taasoo ah marka ay dawlad Soomaaliya ka talisa dhistaan” ayuu yidhi Gudoomiyaha UCID.
Ciidamada Badda U.K Oo Baadi
Goobaya Markab Ingiriisku Leeyahay Oo
Lagu Afduubay Xeebta W/Bari Ee Soomaaliya
Afduubayaasha Soomaalida Ahi Waxay Dalbadeen Madax Furasho 1-Milyan Oo Doolar ah
Bureau (International Time) – diyaaraad Helicopter ah oo ka duushay ciidamada badda ee Ingiriiska qaybtooda HMS Cumberland, ayaa dul-haadaysay aagii badda ee Puntland si ay u hesho markab uu leeyahay Ingiriisku oo lagu af-duubay xeebta waqooyi-bari ee Somaliya.
Diyaaradda Helicopter-ta ahi waxay ka mid tahay ciidamada badda ee Ingiriiska (Royal Navy), oo baadi-goloobaya markab ka diiwaan-gashan dalka Ingiriiska oo ay dablay af-duubtay.
Af-hayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska ayaa u sheegay BBC-da in la hubinayo in af-duub dhacay, iyo markabka la af-duubay ka uu Yahay.
Idaacadda Af-Somaliga ku hadasha ee Horn of Africa ayaa sheegtay in markabka lagu af-duubay goob ku caan ah in ay joogaan Maleeshiyooyinka hubaysan ee maraakiibta ka af-duuba xeebta waqooyi-bari (Puntland).
Idaacada Horn of Africa waxay intaa ku dartay in dableyda markabka af-duubtay ay codsadeen madax-furasho dhan hal milyan oo dollar, una dhiganta 650,000 oo giniga sterling-ga ah.
Markabka waxaa af-duubay 15 dablay ah, waxaa lagu af-duubay 6 qof oo u dhashay Ukraine oo markabka saarnaa.
Af-hayeenka u hadlay xafiiska arrimaha dibedda ee Ingiriisku wuxuu sheegay in halka uu joogo markabka ciidamada badda ee Ingiriiska oo loo yaqaan HMS Cumberland, oo uu u diray Helicopter in ay baadi goobto markabka la af-duubay, laakiin aanay waxba weli soo helin.
Wasaaradda Difaaca ee Ingiriiska ayaa iyaduna sheegtay in cutubka ciidamada badda ee xeebta waqooyi-bari ee Somaliya halka markabka lagu af-duubay in ay ka mid yihiin ciidamada Ingirisku kaga qaybgelayo la dagaanka argagixisada.
Warbixin uu sii daayay xafiiska badaha ee caalamiga ah (International Maritime Bureau), ayaa sheegay in badaha u dhow halka markabkan lagu af-duubay ay tahay meel ay aad ugu badan yihiin shufto-badeedka ka ugaadhsata badaha.
Ku xigeenka agaasimaha hay’addaa Captain Jayat Abhayankar, ayaa sheegay; “Hubka iyo saanada miletari ee ku qulqulaysa Somaliya, taas oo ka soo horjeeda cuna-qabatayntii Qaramada Midoobay ee hubka gelaya Somaliya ayaa ka dhigay biyaha Somaliya mid ka mid ah badaha ugu halista badan dunida.”
Warkani wuxuu intaa ku daray, in kadib markii bishii July 30-keed8ii lagu af-duubay xeebtaas waqooyi-bari (Puntland) markab ah kuwa qaada xammuulka in looga digay bad-mareenada mara badaha in ay u jirsadaan ugu yaraan 50 mile xeebaha waqooyi-bari iyo inay qaataan qalabka is-gaadhsiinta, si aanay gacanta ugu gelin budhcada badaha wax ka af-duubta.
Hay’ada (Fasu) Oo Ka Warbixisay Wax-Soo Saarka Beeraha Soomaliland Ee Gu’gii 2002
Hay’adda saadaasha iyo cuntada laga heli karo degaanada iyo xilliyada fooda ku soo haya degaanada ee loo yaqaan (FASU), ayaa warbixin ay ka soo saartay gobolka Geeska Afrika bishii July ee sannadkan 2002, waxay kaga hadashay xaaladdii dalagyada ay ka mid yihiin hadhuudhka iyo arabikhida ee gu’gii tegay, waxaanay tidhi FSAU; saadaashu waxay tilmaantay inay jiraan calaamado muujinaya in dalagyadii soo gu’I lahaa xilligii gu’ga ee Somaliland sannadkan 2002 ay hoos uga dhacday sidii la filayay.
Inkasta oo la caro rogay Somaliland gu’gii sannadkan dhul dhan 5340 hector. Laakiin wxay ka baxeen 1670 hector oo keliya, sababtuna waxay ahayd roobabka oo aad ugu yaraa deganada qaar gu’gii sannadkan 2002.
Warbixinta FASU, waxay xustay in gobollada Somaliland ee Togdheer, Saaxil, Awdal iyo Hargeysa uu ku yar Yahay daaqa xooluhu, sababtuna ay tahay roob yaraan la soo deristay awgeed. FSAU, waxay inaa ku dartay in daaq-yaraanta ka muuqata gobolo ka tirsan Somaliland keentay diif ka muuqata lo’da la dhaqdo, taas oo saamayn ku yeelatay caanihii laga heli jiray degaanadaas.
Warbixinta hay’adda FASU, waxaa ka mid ahaa in hay’adda WFP ay u qaybisay raashin kala duwan sidan; 257 mt oo raashin ah waxay hay’adda WFP ku caawisaa hawlaha daryeelka bulshada ee gobolka Awdal – degmada Boorama.
5 m,ton, waxay WFP ku caawisaa gobolka galbeed, 51 mt waxaa la siiyay Hargeysa, 29 mt, waxaa la siiyay Gebilay, 1 mt, waxaa la siiyay Balli-gubadle, 53 mt, waxaa la siiyay Berbera, 7 mt, waxaa la siiyay Salaxlay. Gobolka Togdheer hay’adda WFP waxay siisay raashin bishii June ee sannadkan 2002, raashinkaas oo kala ahaa sidan; 16 mt waxaa la siiyay Burco, 9 mt waxaa la siiyay degmada Oodweyne, 4 mt waxaa la siiyay degmada Sheekh. Gobolka Sanaag degmooyinkiisa, 12 mt Badhan, 43 mt Ceerigaabo. Gobolka Sool; 56 mt waxaa la siiyay Laas-caanood, 44 mt degmada Taleex ee gobolka Sool.
Warbixintan hay’adda FASU, waxay sheegtay in furitaankii xadka u dhaxeeya Djibouti iyo Somaliland uu caawiyay dadka deggen xeebta Galbeed ee Somaliland iyo gobolka Awdal. Iyada oo uu furitaanka xadka Jabuuti iyo Somaliland uu soo nooleeyay ganacsigii raashinka iyo alaabooyinka kale ee soo gaadhayay degaankaas.
Warbixinta FASU waxay tilmaantay in haddii uu di’I waayay roobabkii Karantu ee Somaliland ay dhici karto inay Somaliland la soo deristo cunto yaraani.
Iiraan Oo Sucuudiga U Gacan Galisay 16 Xubnood Oo Al-Qaacida Ka Tirsan
Riyad (W.Wararka) – Dawladda Iiraan ayaa Sucuudiga si sir ah ugu gudbisay 16 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Qaacida, kuwaas oo u baxsaday dalka Iiraan, kana tegay Afqaanistaan markii uu dagaalku ka qarxay. Sidaana waxa sheegay wasiirka Arrimaha Dibedda ee Sucuudiga Amiir Sucuud Al-Faysal oo u warramay wargeyska Washington Post ee ka soo baxa Maraykanka cadadkii soo baxay shalay.
Amiir Sucuud, waxa uu intaa ku daray in wefti ka socda Sucuudigu ay booqdeen Iiraan bishii May ee ina dhaaftay, si ay baadhitaan ugu soo sameeyaan xubnaha ay Iiran qabatay, ayna xaqiijiyeen in dhammaan dadkaasi ay u dhasheen Sucuudiga, kadibna loo soo gacangeliyay. Balse wax tafaasiil ah kamuu bixin xaaladda ay haatan dadkaasi ku sugan yihiin. Wuxuuse caddeeyay in xogaha iyo macluumaadka ay bixiyeen xubnahaasi loo gudbin doono dawladda Maraykanka.
Wasiirka oo ka hadlayay iskaashiga dhexmaray Sucuudiga iyo Iiraan waxa uu sheegay in Iiran ay muujisay iskaashi ay la samaysay Sucuudiga iyo Maraykankaba, balse muu bixin faahfaahin intaa ka badan. Wuxuuse tilmaamay in Iiraan iyo Maraykanku ay ka wada-hadli karayaan xidhiidhka iyo iskaashi intaa ka weyn oo ay yeelanayaan mustaqbalka.
Arrintani waxay timid iyada oo uu Maraykanku ku eedeeyo Iiraan inay taageerto argagixisada, taas oo ay Iiraan aad u beenisay.
Pope John Oo Soo Jeediyay In Ciidamo Nabad Ilaalin Ah La Geeyo Bariga Dhexe
Roma (BBC): Baadariga ugu sareeya kiiniisada Katoliga ee diinta Masiixiga ayaa soo jeediyay in la geeyo bariga dhexe ciidamo caalamiya oo nabada ilaaliya si loo soo afjaro colaada Israa’iil iyo Falastiiniyiinta Pope John Paul ll oo ka hadlayay deegaan u dhow magaalada Roma wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta hogaamiya labada dhinac ee isku haya bariga dhexe inay baadi goobaan jidka wadahadalada ee daacada ah.
Pope John Paul wuxuu ku taliyay in lagama maarmaan ay tahay in Caalamka kale uu dhex galo arrinta bariga dhexe si loo soo afjaro colaada iyo dagaalada ka jira bariga dhexe. Pop John Paul wuxuu xusay dhibaatooyinka ay colaada bariga dhexe u geysatay dhulka barakaysan ee ku yaal bariga dhexe.
Baadariga ugu sareeya mad-habta Kaatoliga ee diinta Masiixigu wuxuu si cad u taageeray qorshaha ay hore u diideen Israa’iiliyiintu oo ahaa in ciidamo nabad ilaalineed oo caalamiya la geeyo.
Pope John Paul wuxuu sheegay in xiligan xagaaga ah uu aad uga damqaday dilka maalin walba ka dhaca bariga dhexe ee sahayda nolosha rag iyo dumarba, waxaanu yidhi “ weerarka ciidamo la isku weeraraa, weligeed xal u keeni mayso khilaafka hada jira”
Pop John Paul wuxuu sheegay in masiixiyiintii ku noolaa bariga dhexe ay la kulmeen dhibaatooyin taas oo keentay inay u qaxaan si aanay waligood u qixin.
2900- Oo Beeralayda Caddaanka Zimbabwe
Ah Oo Lagu Amray Inay Beerahooda Ka Tagaan
Harare (W. Wararka): Ilaa 2900 oo ah beeralayda cadaanka ah ee Zimbabwe ayuu dhacay waqtigii ay hore ugu qabatay, dowlada Zimbabwe inay ka tagaan beerahoodii ay ku lahaayeen dhulka Zimbabwe.
Laakiin ma jirto xidhitaan iyo falal kale oo lagula kacay beeralayda cadaanka ah ee iska joogay beerahoodii ee aan fulin amarkaa hore uga soo baxay dowlada Zimbabwe.
Urur beeralay oo lagu magacaabo JAG (farmer’s Justice Group for Agriculture) ayaa sheegay maalintii sabtidii ee todobaadkan in 40% dadka beeraleyda ee cadaanka ahi ay ka tageen guryahoodii xiligii uu dhacayay waqtigii ay hore ugu qabatay dowlada Zimbabwe oo ahayd habeenimadii khamiistii ee todobaadkii hore.
Dowlada Zimbabwe ayaa sheegtay in beeraleyda cadaanka ah ee iska dhegatira amarka hore in la xidhi doono 2 saacadood.
Dowlada Maraykanka ayaa maalintii sabtidii ee todobaadkan canbaaraysay go’aanka ay dowlada Zimbabwe beeraha kaga qaadayso beeralayda cadaanka ah ee ku nool Zimbabwe.
Barnaamijka dib u qaybinta dhulbeeraadka wanaagsan ee ay leeyihiin beeralayda cadaanka ah ee Zimbabwe wuxuu bilowday xiligii doorashada ee uu M/weynaha Zimbabwe Robert Mugabe uu ku jiray ololaha dib u doorashada ee uu ugu tartamayay M/weynanimada dalka Zimbabwe.
Laakiin hayadaha iyo wadamada deeqda bixiya ee adduunka ayaa sheegay in siyaasada ay dowlada Zimbabwe kula kacday cadaanka beeralayda ah ay tahay sababta keentay hoos u dhaca wax-soo saarka cuntada ee Zimbabwe taas oo hadda keentay in kala badh dadka ku nool Zimbabwe, tiro dhan 6,milyan oo qof ay ka digeen hayadaha gargaarku in ay macaluuli soo foodsaartay.
Hay’ada (IMF) ayaa iyaduna ka joojisay kaalmo dhaqaale oo ay siin jirtay Zimbabwe, ka dib markii ay ku dhawaaqday barnaamijka dib u qaybinta beeraha ay leeyihiin dadka cadaanka ahi.
Maraykanka oo
Taageero Siinaya Mucaaridka Ciraaq
Washington (W. Wararka) Madaxda Lix urur oo mucaarid ku ah dawlada ciraaq ee madaxweynaha u yahay Sadaam Xuseen, ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan maamulka Maraykanka oo ay weydiisteen inay u fidiso taageero, iyagoo haatan booqasho ku jooga caasimada Maraykanka ee Washington. Kulamadaa oo la iskula soo qaaday, sidii loo ridi lahaa maamulka Sadaam Xuseen, Ciraaq looga dhisi maamul Dimuqraadi ah, oo hogaanka u qabata, dalkaasi. Madaxda mucaaridka Ciraaq oo Madaxda Maraykanka ee ay la kulmeen uu ka mid yahay M/xigeenka dalkaasi, waxa ay kulamadaa ka dib sheegeen, inay dawlada Maraykanku ay diyaar u tahay, sidii ay gacan u siin lahayd muraacidka ka horjeeda Sadaam Xuseen, balse wuxuu Maraykanku shardi ka dhigay in maamulka Sadaam bedalayaa uu noqdo mid Dimuqraadi ah, iyagoo muujiyay in aanay diyaar u ahayn in Diktaatooriyad lagu badalo diktaatooriyad kale.
Wada hadalada ay Madaxda mucaaridka Ciraaq u tageen Maraykanka oo lagu tilmaamay, inay ujeedadoodu ahayd wada tashi ku saabsan, waxa la yeelayo haddii lagu guulaysto in la rido Sadaam Xuseen, ilaa hadda lagama soo saarin qorshe cad oo arrintaa ku saabsan.
Dhanka kalena maamulka Sadaam Xuseen, ayaa ku hanjabay inay iska difaaci doonaan, weerar kasta oo lagu soo qaado noocuu doono ha ahaadee.
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Xilku Maaha Wax Adduun Lagu Urursado
Xilku waa amaano laguu dhiib, ammaanadaasi xilbaa kaa saaran dhawrideeda, xafidaadeeda, xannaanadeeda, iyo ilaalinteeda.
Rasuulkeena NNKH waxa uu ku tilmaamay xilka dhuxul dab ah oo sacabka laguu saaray, bal ka fikir xanuunka ay leedahay. Xanuunkaa ayuu xilku leeyahay, waa soo jeedbadan, wer-wer iyo dadaal dheeraad ah.
Ardaydu duruusta ay ka bartaan macalimiinta ka sakow waxay ka bartaan, kuna dhaqmaan dhaqanka ay leeyihiin macalimiintu, bulshadu waxay ku dhaqantaa hadba sida ay u dhaqanto Xukuumaddu. xilka iyo waajibka ku saaran haddii aad u qaadato in ay kuu saaran yihiin naftaada, oo aad ilowdid dantii guud, waa nasiib darro.
Bulshada waxaan leeyahay dowladnimadu maaha, in qof walba wixii isaga u dan ah keliya xalaal iyo xaaraan uu u halgamo. Adiga oo iskaa waxaad u qabsanayso u qabsanayahaddana danta guud in aad ka shaqaysid, ayay dawladnimadeena iyo horumarkeenu ku jirtaa.
“Ayaan luudda iyo alley leedahay oo marna iilan mayso”
· Xisbigee bay ka dhex muuqataa dawladii hanan lahayd amaanadeena qaaliga?
· Xisbigee bay Somalilandnimadu ku buuqsantahay oo beri laga yaabaa inuu bisadii muriyada la halowday inagu noqdo?
· Xisbigee baa raacaya dariiqada aabahay goblan iyo tollaayay?
· Xisbigee baa dhiigeena ku raadsanaya waliba dhuuxeena?
Bal ogow maanta maalin ku habaysa maankaaga qulqul dareeno ah oo kuu iftiiminaya fartana kuugu fiiqaya sifaalihii ay lahaayeen maalmihii ka horeeyay, waan maalin sahan u ah maalmo kale oo danbeeya. Haddaba saxiibayaal anigoo garanaya inay bulshadeenu maanta leedahay Garaad siyaasi ah oo hodan ku ah odoroska wixii bulshada danteeda ah iyo turjumida ifafaalaha hoose ee gufaacooyinka caloosha, cid kasta oo majaro habaabinaysa, gar bay inagu tahay maanta inaynu ku xulano dawladii hanan kari lahayd hogaaminta ummaddeena inagoo raacayna nidaamka asxaabta badan. Nidaamkani wuxuu ka mid yahay guulaha aynu ka hantinay waayihii dheeraa ee ina soo maray, muhiimada weyn inaynu siinaana waajib bay inagu tahay. Haddaba marka la barbar dhigo qaababka ay ku soo baxayaan nidaamyada ka jira Afrika inteeda kale.
Waxay dariiqadan aynu guddoonsanay ku tusaysaa halka aynu ka marayno wada tashiga ay ku caweeyaan dadyowga nabada jiraa. Waxaa kale oo uu ku tusaalaynayaa in guga ay siyaasadeenu jirtay iyo waayo aragnimada aynu dhaxalay kala facweyn yihiin. Aniga oo taasi ka duulaya ayaa waxaan dadweynaha dareensiinayaa afar xaaladood inay maanka ku hayaan.
1. Inaynu kala dhamaanay cahdigii hebelada iyo qabiilka
2. Inaanay dhammaan asxaabtu ahayn kuwii lagu aamini lahaa hogaamin dowladnimo
3. In xilliga doorashooyinka dadweynuhu fiiro dheeraad ah u yeeshaan ilaalinta nabadooda iyo nidaamka doorashooyinka waayo waa xilli ay shacbigeenu u nuglaan karaan inuu fitna abuur wax dhex-dhigi karo
4. Inaan shacbigu halacsan gacmo codka doonaya oo dheemaal lulaya.
Ururada siyaasada ee ku tartamaya madaxtinamada dalka waxaan iyagana kula talinayaa inay baahin joogto ah ku sameeyaan barnaamijyadooda ilaa ay garoonka shacbigu ku kala baxayaan.
Mowliid Muuse Ibraahim (Kaahin), Gebiley
Waxaa ka mid ah waajibaadka hogaamiyaha shaqada fuliya in uu koox hogaamiyayaal ah abuuro, isagoo ka dhex xulanaya maamulayaasha la shaqeeya, ka dibna uu tababaro una layliyo xambaarida masuul iyada oo ay qaban doonaan (nin la odhan jiray roger, oo madax ka ahaa shirkad dalka Maraykanka ka dhisnayd ayaa waxaa loogu yeedhay in uu ka qayb galo shir lagu qabanayay Yurub oo muddo afar bilooda soconayay, waanu ogolaaday, markaa waxaa aad loola yaabanyahay siduu mudadaa dheer uga maqnaan karo shirkadiisa, wuxuu ku jawaabay Mr. Roger, dadkii sida qabay in ay shaqadiisa ka mid ahayd inuu abuuro madax shaqadiisa sii wadi karta, waanu iska xilsaari jiray, “Waxaanan hubin doonaa markaan soo laabto inaan ku guulaystay waajibaadkii iyo, inkale, kaasoo ka muuqan doonta sidii ay shaqadu u socotay muddadii aan ka maqnaa shirkada, iyo wixii qabsoomay”.)
Taasna macneheedu waxa weeye sidii aad u abuuri lahayd dad kula shaqeeya oo ku bedeli kara, shaqadaadana qabta marka loo baahdo, fikradaa wax ku oolka ah waxaa si fiican u cadeeyay ninkaa Maraykanka ahaa oo shirkad weyn madax ka ahaa isagoo qudbad ka jeedinaya shir lagu falanqaynayay horumarinta maamulka, wuxuu yidhi “Waxaan u caddaynayaa dhammaan hogaamiyayaasha shirkadaha, inaanay helayn dalacsiin haddii aanay abuurin marka hore rag jagooyinkooda qabta marka ay banaanaato” akhriste waxaynu ka fahmaynaa xigmadan ma dhaafaanka ahmarka laysla helo hawl iyo qofkii ku haboonaa waxaa hubaala in la gaadhayo horusocod maamul. sidaa darteed hogaamiyayaasha Somaliland waa inay xigmadaa maanka ku hayaan si mustaqbalka ay u helaan dalacaad daruuri ah.
Haddaba waxaynu goob joog u nahay habdhaqanka guracan ee lagu xusho masuuliyiinta hayadaha dawladda iyo adeega oon loo eegin aqoon iyo karti fulineed iyo daacadnimo balse lagu saleeyo oo kaliya haybta uu ka soo jeedo masuulka, la badalay taasoo dabiib looga dhigo buuxinta jagada nin ay isku qoys yihiin. Hadaba muhiim maaha masuul xilka loo eego ardaaga uu ka soo jeedo waxase maan gal ah in la isweydiiyo masuulka xilka loo doortay ma yahay mid ku haboon jagadaas loo magacaabay mise maaha midkii hanan lahaa? marka aynu eegno sidaan loo xaalayn arrimaha iyo tilmaamahaa waxaynu ogaanaynaa in halka uu xarafka maamulka Somaliland uu ka qaloocday ay tahay, xulashada masuuliyiinta Qaranka iyo xisaabtan la’aanta maamulkeena oon xil la iska saarin sidii loo xisaabin lahaa masuulka, intaan xilka laga xayuubin taasoo lagu kala saari lahaa masuulka dalkiisa u shaqeeyay iyo ka intuu xilka hayay ka shaqaystay.
Haddaba masuulka xil laga xayuubiyay wax macne ah ma samaynay haddaan la helin xisaabtan dhab ah oo ku dhac leh, isla markaana u quus goysa, masuuliyiinta cusub ee kiishka madhan la shir yimaada. nidaamka toosan marka la helo ayaa waxaa iman doonta marxalad sharcigu wax hogaamiyo oo nin kasta lafihiisa u baqdo, dadku waxay ilaa hada garan la’yihiin waxa maamulkeena ka hortaagan inuu ku talaabsado xayuubin iyo xisaabi xil maleh oo mar wada dhaca? Anigu waxaan kusoo gabagabaynayaa ma laga yaabaa dadweynow inaynu filim khaldan daawanayno, maadaama xaalku yahay isla yaab isla diid.
Anigoo ah muwaadin Somalilander ah ayaan waxaan aad u jecelahay in aan fikradayda ka dhiibto, siyaasiyiinta reer Koonfureedka ah ee ku sugan dalka, Haddaba waxa jirta in horaantii August ay dalka yimaadeen niman siyaasiyiin ah oo reer koonfureed ah, nimankaasi oo hore u yimid Somaliland markuu geeriyooday alle ha u naxariistee madaxweynhiihi hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal. iyaga oo inoogu sheegay in ay doonayaan in ay inagala qayb qaataan baroordiiqdii geeridii madaxweynaha, hase ahaatee ay xaqiiqdu ka duwanayd taasi una go’lahaayeen sidii ay inoogala hadli lahaayeen Midnimo Soomaali weyn. Waxaana taasi xaqiijinaya warbixinta ay siiyeen Wargeysyada madaxbanaan ee ka soo baxa Muqdisho, taasi oo ay kaga hadleen in ay mujtamaca Somaliland isku soo afgarteen wanaag oo ayna reer Woqooyi waxba diidayn, waxa kale oo ay cadeeyeen in dadka Somaliland wali cidi madaxa u salaaxin kuna odhan waa laydinka qaldanaa ee raali noqda, intaasina ay Somaliland ku soo yidhaahdeen oo ay ka raali noqdeen, waxaa kale oo ay ku cadaynaysaa warbixinta ay siiyeen jaraa’idka Somaliland markii ay yimaadeen oo ay iyagana u sheegeen sidaa si ku dhow.
Haddaba waxaa dhacday in Wafdigaasi xukuumada si fiican u qaabishay Hotelna ay dajisay, iyadoo dhammaadkii bishii Julay ee ina dhaaftay uu Wasaarada Arrimaha Guduhu ay dalka ka mastaafurisay koox garsoorayaal ciyaaraha ahaa, oo ay Wasaarada sports ka Somaliland ay marti qaad u fidisay, taasi oo uu Wasiirka arrimaha guduhu ku macneeyay in aan loo baahnayn garsoorayaal oo ay dalka ku sugan yihiin garsoorayaal, taasi oo la mid ah Wasaarada sports oo tidhaa dalku uma baahna in loo tababaro saraakiil Police.
Haddaba iyamuu qaldanyahay Wasiirka arrimaha guduhu?, ma markan siyaasiyiinta uu soo dhaweyay mise markii uu garsoorayaasha mastaafuriyay
WAADIGA CIYAARAHA
Saleebaan Gurey
Batistuta Oo Dib Ugu Soo
Laabtay Kulamada Caalamiga Ah
B. Aires (Reuters) – Weeraryahanka Gabriel Batistuta oo ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah, kadib markii Argentine wadhidu kaga dhacday koobkii adduunka. Hase yeeshee, wuxuu dib ugu soo laabanayaa kulamada ugu soo horrooya ee Argentina yeelanayso.
Xulka Argentine oo uu weheliyo tabobarihii koobka adduunka watay ee Marcelo Bielsa ayay u dhowdahay inay soo laabtaan kulanka saaxiibtinimo ee Japan iyo Argentina Tokyo ku dhexmaraya bisha November.
Kulankani wuxuu ka dhashay codsi ka yimi urur ay ku jiraan gooldhaliyeyaal caan baxay. Sidaa waxaa khamiistii daabacay warbaahinta Argentine.
Kooxda labada goor ku guulaysatay koobka adduunka oo hadda wadankeeda ay haysato qalalaase dhaqaale, waxaa la weydiistay inay bixiyaan 600,000 oo gini iyo dhammaan kharashkooda oo dhan, waxaana la weydiistay badiba raggii ka qaybgalay koobkii adduunka.
Inkasta oo aan si cad loo magacaabin, haddana Guddoomiyaha kubadda cagta Argentina Julio Grondona wuxuu sheegay in Batistuta ku caawinayo canshuurta ciyaarta, taas oo Grondona aqbalay.
Ciyaartani waxay masaxday go’aankii Batistuta oo macasalaameeyay ciyaaraha, kadib kulankii Sweden ee barbaraha 1-1 ee dhacay 12 June, kaas oo soo gunaanaday rajadii wadankiisu koobka adduunka ka qabay.
Ciyaaryahanka Batistuta wuxuu dhaliyay mid ka mid ah labadii gool ee Argentine koobka adduunka ka dhashatay, waana kii ay kaga badisay Nayjeeriya kulankii furitaanka oo 1-0 ku dhammaaday.
Maxsuulkaasi, wuxuu ku khatimay rikoodhkiisa caalamiga ee 76 gool oo uu ka hadlay 58 kulan.
Batistuta wuxuu Japan ku leeyahay sumcad weyn taageerayaasha Japan waxay ku xusuustaan laba gool oo uu ka dhaliyay 1-0 guushii Argentina ee koobkii Kirin Cup horaantii 1990, iyo kulankii koobka adduunka ee 1998.
Bielsa oo heshiiskiisu ku dhammaaday bishii June 30-keedii. Hase yeeshee, wuxuu hadda u muuqdaa inuu fursad kale helay.
Arsenal Oo 1-0 Kaga Badisay Liverpool
Ciyaaryahanka reer Brazil ee Gilberto Silva ayaa kordhiyay koobabkii ay xagaagan urursadeen bulshada reer Arsenal, kadib markii uu ciyaaryahanka khadka dhexe oo beddel ku soo galay qaybtii dambe uu isla markiiba muujiyey in Arsenal u qalanto guusha kulanka dhoola-tuska u ah xili-ciyaareedka cusub.
Kooxda Arsene Wenger, oo laba koob hore u hanatay waxay ururisay Liverpool ciyaarta inteedii badnayd. Waxa keliya ee ay dhaafi waayeen wuxuu ahaa goolhayaha Liverpool Jerzy Dudek.
Waxay ahayd mid ku adag nasiibka Dudek oo marar badan fursado ka badbaadiyay Liverpool. Ugu yaraan saddex gool ayuu qaybtii hore badbaadiyay.
Goolhayaha Polish-ka ah oo is muujiyay koobkii adduunka ee Korea iyo Japan wuxuu hunguriga u fadhiistay Henry, sidoo kale wuxuu laba fursadood ka qabtay Dennis Bergkamp.
Kulanka oo ahaa mid aad u adag ayaa keenay in kaadhadh badan la siiyo ciyaartoy labada dhinac ah Gerrard iyo Murphy oo Liverpool ah iyo Wiltord, Vieira, Henry iyo Silva oo Arsenal ah ayaa dhammaantood kaadhadhka huruuda ah qaatay.
Ciyaartoyga Gilberto Silva oo beddelay Edu oo isna reer Brazil ah ayaa daqiiqaddii 69aad dhaliyay goolka guushu ku raacday Arsenal.
Garsooraha ciyaarta dhexdhexaadinayay ee Alan Wiley ayaa lumiyay fursad uu kaadhka cas ku qaadan lahaa Gerrard, sidoo kale wuxuu sii daayay fursad Liverpool rigoore u noqon lahayd, kadib markii El-Hadji Diouf lagu galay khalad xerada ganaaxa dhexdeeda.
Dhaq-Dhaqaaqa Saylada
Kooxaha Jarmalka Oo Kor U Kacay
B. Munich Iyo Dortmund Waxay Isu Diyaarinayeen Kaalintii Looga Bartay
Kadib markii in muddo ahba hoos-u-dhac ka muuqaday daawashada ciyaaraha Germany ayay hadda kooxaha waddankaasi isu diyaarinayaan sidii markale ay muraayada dunida uga muuqan lahaayeen.
Borusia Dortmund oo kal-hore hanatay horyaalka dalkaa ayaa isku wada inay kaalin muuqata ka qaadato horyaalka Yurub iyo ka dalka intaba.
Mathias Sammer oo kooxdiisu horyaalka ka boobtay B. Leverkusen kalhore ayaa ku faanay inuu xejistay ciyaartoyga tayada leh ee kooxdiisa sida ciyaaryahanka fursadaha sameeya ee Czeck Rep. Tomas Rosicky iyo weeraryahanka reer Brazil ee Amoroso.
Sammer wuxuu ka gaabsaday in kooxdiisu ku guulaysanayso, balse wuxuu qiray inay isu habaynayaan si tayo leh hadday noqto horyaalka iyo kulamada Yurub loogu kala gudbayo.
Dortmund oo isla sannadkii hore kaalinta kama-dambaysta ah timi waxay ku dedaashay sidii ay u heli lahayd ciyaartoy isku sar-jaran oo aan kharash badan dul-saarin.
Kooxda waxa ku soo kordhay saddex ciyaartoy oo ugu kacay qiime gaadhaya 10.1 milyan oo lacagta Yurub ah. Waxaa kale oo kooxda ka tegay laba ciyaartoy oo aan wax kharash ah loogu beddelin.
Heshiiska ay gaadhay waxaa ugu mudakarsan ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Argentine Juan Ramon Fernandez oo La’Plate kaga soo iibsadeen 1.6 milyan oo lacagta Yurub ah iyo xiddiga koobka adduunka ee Torsten Frings oo ay Wender Bremen kaga soo iibsatay 8.5 milyan Euros. Sidoo kale goolhaye Roman Weiden Feller ayaa si xor ah (free) ugaga soo wareegay Kaiserlautern.
Dortmund waxaa ka tegay difaaca Juergen Kohler oo ciyaaraha kaga fadhiistay 36-jir iyo Miroslav Stevic oo si xor ah ay u fasaxeen.
Dortmund oo kulankii furitaanka horyaalka Germany Jimcihii la yeelatay Hertha Berlin ayaa ku guul-daraysatay inay badiso kulanka gurigeeda ka dhacay oo ku dhammaaday barbaro (2-2) gool. Andreas Neuendrof ayaa H. Berlin goolka barbaraha u dhaliyay, iyada oo shan daqiiqadood ciyaarta ka hadhay, goolak horena waxaa u dhaliyay Bart Goor. Dhinaca Dortmund waxaa labada gool u kala dhaliyay Ewerthon iyo Tomas Rosicky.
Leverkusen xilli-ciyaareedkii ugu dambeeyay waxay muujisay raganimadii ugu weynayd, waxayna kaalinta labaad ka gashay saddexdii tartan ee ay ka qaybgashay oo kala ah; horyaalka Yurub, koobka Germany iyo tartanka heerka koowaad ee dalkan.
Kooxda Klaus Toppoeller waxaa ka guuray Michael Ballack oo ah ciyaaryahan khadka dhexe uga ciyaara Germany, uguna mudan dalkaa iyo Ze Roberto oo labaduba ku biireen kooxda Bayern Munich. Runtii way adagtahay in uu helo ciyaartoy kaalmahaa u buuxiya, labada ciyaartoy waxay kala heleen 15.5 milyan Euros.
Arrinta xiisaha u leh Bayer Leverkusen waxay noqotay markii ay lix ciyaartoy ku heleen lacagtii 15.5 ka ahayd ee labada xiddig u gooyeen.
Ciyaartoyga ay soo iibsatay oo ah afar khadka dhexe ah, mid difaaca iyo mid weerar ah waxay kala yihiin; Hanno Balitsch (Kh. Dhexe), waxay 1 milyan oo Euro kaga soo iibsatay FC Cologne. Daniel Bierofka (kh. Dhexe) waxay afar milyan oo Euro kaga soo iibsatay TSV 1860 Munich. Landon Donovon (weerar) wuxuu amaah ugaga soo laabtay Sanjose.
Ciyaartoyga ugu laxaadka weyn ee B. Leverkusen soo iibsatay waxaa ka mid ah Franca iyo Juan oo reer Brazil ah. Weeraryahanka Franca waxay 8.5 milyan oo Euro kaga soo iibsadeen Sao Paulo. Sidoo kale Juan oo difaac ah waxay Flamingo kagala soo wareegeen 3.5 milyan Euro. Labadaa nin ee reer Brazil waxay Leverkusen ugu kaceen 12 milyan oo Euro oo ka mid ah 15.5 milyan Euros oo kooxdu ka heshay labadeeda ciyaartoy ee ay sayladda taageen.
Christoph Preuss (khadka dhexe) waxay 2.2 milyan kaga iibsadeen Eintracht Frankfurt iyo Jan Simak (kh. Dhexe) oo ay 6.5 milyan kagala soo wareegeen Hanover.
Bayern waxay ku guulaysatay in ay hanato billad keliya xilli-ciyaareedkii hore, waana markii ugu horraysay tan iyo 1995. waxay kaalinta saddexaad ka gashay tartanka Bundesliga, iyada oo Real Madrid kaga adkaatay kulankii kaalinta siddeeda ee horyaalada Yurub.
Xubno ka mid ah laf-dhabarta kooxda oo dhaawacyo qabay ayaa u sabab ahaa guul-darada kooxda. Goolhayaha xulka Germany Oliver Kahn, ciyaartoyga khadka dhexe ee Jens Jeremies iyo Mahmet Scholl iyo difaaca Faransiiska ah Bixente Lizarazu.
Leverkusen ayaa u muuqata in kooxda ay colka yihiin wiiqday markii ay kala wareegtay xidigaha khadka dhexe ee Michael Ballack iyo Ze Roberto.
Bayern Munich, inkasta oo ay isu dhigtay koox soo ceshatay awoodeedii hore oo aad isu dhistay, haddana kulankii Jimcihii ee furitaanka horyaalka dalka waxay barbaro (0-0) la gashay Brussia Moenchengladbach oo kaalinta 12aad ka gashay horyaalkii kalhore.
B. Munich waxay hoggaanka u jartay afar ciyaartoy oo ka mid ahaa kooxda, kuwaas oo saddex ka mid ahi bilaa shuruud kaga tageen, halka ay weeraryahanka Carsten Janeker 5 milyan oo Euro ka siiyeen kooxda Talyaaniga ah ee Udinese. Ciyaartoyga ay fasaxday waxay kala yihin; Steven Effenberg (kh. Dhexe), Paulo Sergio (weerar) iyo Ciri Sforza (kh. Dhexe).
Hase yeeshee, waxay kharash-garaysay 24.5 milyan oo Euro oo ay ku soo kala iibsatay M. Ballack (kh. Dhexe) 6 milyan oo Euro. Ze Roberto (kh. Dhexe) 9.5 milyan oo lacagta Yurub ah. Sebastian Deisler (kh. Dhexe) oo ay 9 milyan oo Euro kaga soo iibsadeen Hertha Berlin.
Hertha Berlin oo kaalinta afraad ka gashay tartankii kalhore waxay ku ammaanan tahay in ay xejisato laba ka mid ah halbowlayaasheeda oo kala ah Alex Alves iyo Marcelinho oo reer Brazil ah, inkasta oo ay sii daysay Sebastian Deisler oo intii badnayd sannadkii tegay dhaawac kaga maqnaa.
Haddana waxay soo dhawaysay tabobaraha cusub ee Huub Stevens oo ay kala soo wareegtay kooxda Sckalke, Hertha waxay kale oo soo iibsatay sadex ciyaartoy oo kala ah; Arne Friedrich (difac) waxay 1.8 kaga iibsatay Arminia Bielefeld. Bartosz Karwan (weerar) waxay 0.5 milyan kaga iibsatay Legia Warsaw. Halkay bilaa shuruud ku heshay Luizao oo ka yimi Gremio.
Tabobaraha cusub ee Schalke 04 oo qaadatay koobka Germany Mr. Frank Neubarth ayaa qiray in kooxaha Dortmund iyo Bayer Munich ka awood badan yihiin, balse wuxuu ku daray inay weli saamayn ku leedahay kubadda cagta Schalke 04 oo kaalinta shanaad ka gashay horyaalka dalka waxay ka mid tahay kooxaha ka qaybgelaya tartanka Yurub (EUFA Cup).
Kooxda waxaa ka tegay afar ciyaartoy oo ay laba ka mid ah sii daysay, hal ciyaartoy oo ka fadhiistay iyo mid kale oo ay ku iibisay qiime aad u jaban, halka ay 13. 25 milyan oo Euro ku soo iibsatay Christian Poulsen (dhexda) oo ay 7 milyan oo Euro kagala soo wareegeen FC Copenhagen, iyo Frank Rost (goolhaye) oo Wender Bremen ay kaga soo iibsadeen 6.25 milyan oo Euro.