Haatuf, Cadadki 136, Aug.13, 2002 “Waxa Olole Siyaasadeed Laga Dhigtay Odayaal Xamar Ka Yimi..” Madaxweyne RayaaleHargeysa (Haatuf): “Waxa olole siyaasadeed laga dhigay odoyaal Xamar ka yimi”, sidaa waxa yidhi, madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo shalay fadhigii golihiisa wasiirada kaga hadlay weftigii Reer-muqdisho ee mudada shanta maal-mood ah socdaalka ku joogay Hargeysa, weftigaas oo wada hadal la yeeshay madaxda sare ee dawladda Somaliland, iyadoo uu madaxweyne Rayaale ka mid yahay masuuliyiinta la kulmay weftiga Reer-Muqdisho. “ Somaliland waa qaran jira oo aanay masiirkeeda cidina waxba ka bedeli karin sida uu qeexayo dastuurka ay dhigteen” ayuu yidhi madaxweyne Rayaale, wuxuuna intaa ku daray “Ma aha in Somaliland loo ekeysiiyo inay tahay warqad yar oo qofkii yimaadaaba iska qaadan karo”. Sida uu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris Ducaale, madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu shirkii golaha wasiirada si adag carrabka ugu dhuftay ka hadalka arinta weftigii Muqdisho, taas oo uu tilmaamay in imaatinka weftigaa laga abuuray xiisad siyaasadeed oo aan meesha ku jirin, wuxuuna yidhi “ Waxa olole siyaasadeed (political Campaign) laga dhigay odayaal Xamar ka yimi oo markii hore ee ay tacsida u yimaadeen Hargeysa la sii faray fariin oo lagu yidhi hadii aad wanaag rabtaan arintayada faraha kala baxa oo cadeeya aqoonsigayaga, ka dibna jawaab loo soo dhiibay, taas oo ay yidhaahdeen waxba kama qabno, mase hayno Cidii na meteli lahayd ee noo odhan lahayd sidaa ee idinka ayaa dhisane horta na heshiisiiya oo halkii IGAD noo gala, ka dibna ay odayaasha guurtidu ugu jawaabeen waqti idiin-ma hayno”. Madaxweyne Daahir Rayaale waxa kale oo uu sheegay inay odayaasha weftiga Muqdisho la kulmeen, laakiin madaxweynuhu waxa uu la kulankooda ku tilmaamay salaan iyo buu yidhi, iyaga oo i ogaysiiyey inay ku qanceen jawaabtii iyo go’aankii ay odayaasha guurtidu siiyeen. Dhinaca kale madaxweyne Rayaale waxa uu furitaankii shirka golaha wasiirada ugu horayn ku soo dhoweeyey wasiirka horumarinta qoyska iyo arimaha bulshada, Edna Aadan-dhakhtar, wasaaradaas iyo wasiirkaas oo ah, kuwa cusub oo uu madaxweyne Rayaale dhowaan sameeyey waa markii u horaysay ee wasiir, Edna ka qayb gasho fadhiyada golaha wasiirada Somaliland. “Wasaaradda cusubi waa boos ka maqnaa dhismaha Qaranka, iyadoo ay golaha wasiiradana muhim u tahay inay haweenku ka dhex-muuqdaan” ayuu mudane Rayaale, isaga oo intaa ku daray inaanu magacaabidda wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta qoyska iyo arimaha bulshada ku soo xullan qolonimo, balse ay tahay buu yidhi shakhsiyad u qallanta xilka loo igmaday. Sidoo kale waxa fadhigii shalay ee golaha wasiirada lagu ansixiyey sharci ay golaha hor keentay wasaaradda ganacsigu oo loogu yeedhay furfurista ilaha dhaqaalaha ee ay dawladdu gacanta ku haysay, sida Wershadaha, wuxuuna sharcigaasi jidaynayaa inay dadka muwaadiniinta ah iyo dadka shisheeyuhuba yeellan karaan, kana qayb geli karaan lahaanshahooda Wershadaha, isla markaana uu xeerka lagu maamulayaa noqonayo mid madax banaan (Privatization Law). Sharcigan waxa hore golaha wasiirada u hor keenay wasiirka ganacsiga, Rashiid Xaaji Cabdilaahi, xeerkaas oo uu golaha wasiiradu dhawr fadhi oo hore kaga dooday, maantana ogolaaday waxa dhowaan la hor geyn doonaa golaha wakiilada si ay, iyana u ansixiyaan. Urur-siyaasadeedka la yidhaahdo UCID ayaa tiroba laba goor si kulul uga hadlay imaatinka Weftigii Reer-Muqdisho iyo kulamadii ay la yeesheen madaxda golayaasha dawladda Somaliland. Gudoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali-waraabe ayaa isla maalintii ay weftiga Reer-Muqdisho Hargeysa yimaadeen oo ahayd Arbacadii toddobaadkii hore ka hadlay imaatinkaa weftigaa, isaga oo dawladda ugu baaqay inaanay qaabilin, sidoo kalena shir-jaraa’id oo ay Axadii doraad wada jir ugu qabteen magaalada Hargeysa qaar ka tirsan hogaamiyayaasha urur-siyaasadeedka UCID oo uu gudoomiyaha laftisuna ka mid yahay waxay si kulul ugu cambaareeyeen kulamadii ay dawladdu la yeelatay weftigaa, iyadoo ay madaxda UCID qaabilaadda iyo kulamada ay madaxda dawladdu la yeelatay ku tilmaameen inay tahay arin sumcad xumo ku ah Somaliland. Sidaa darteed war-saxaafadeedkan ka soo baxay fadhigii golaha wasiirada ee shalay, inkasta oo aanay jirin cid carrabka lagu dhuftay, hadana waxa uu u muuqdaa inuu jawaab u yahay hadalada cambaaraynta ah ee ka soo yeedhay madaxda ururka UCID. Burro Culus Oo LagaGooyay Makaanka Gabadh 28-Jir AhHargeysa (Haatuf):Haweenay ay da’deedu tahay 28 jir ayaa habeen hore cusbitaal gaar ah oo ku yaal magaalada Hargeysa lagaga gooyey Burro miisaankeedu ahaa 6kg, kadib markii uu qalliin ku sameeyey Dr: Maxamuud Axmed-cagaweyne, waxaana Burradaa laga gooyey makaanka dushiisa. Sida uu Haatuf u sheegay dhakhtarka qalliinka sameeyey, Dr: Maxamuud Axmed gabadha Burrada laga gooyey hadda aad buu caafimaadkeedu u wanaagsan yahay, wuxuuna dhakhtarku intaa ku daray inuu hawl-galka qalliinkaasi socdey muddo saacad ah oo u dhexaysay 7:30—8:30 fiidnimo, waxayna gabadha Burrada laga qallay ka timi degmada Awaare ee bariga Itoobiya. Dhakhtar Maxamuud waxa uu sheegay inaanay arintani ahayn wax cusub ee ay waayadan dambe burradu tahay wax ku badan dadka, isla markaana ay jiraan haween badan oo lagu sameeyey qalliin noocan ah. Hase yeeshee waxa uu xusay inay burradani tahay mid uu miisaankeedu aad u weyn yahay. Caqligii Xerrada Ku Ilaalin Waayay, Baadideedda Ma Helo Faallo – A. A. Garas
Laga soo bilaabo hillaadda dabayaaqadii Qarnigii 18aad ayey gumaystayaashii Reer-Yurub ku soo duuleen dhulka Somalidu degto, waqtigaas oo ay shirkadaha lacagta leh iyo dawladahoodu kala hororsanayeen sidii ay dunida u qabsan lahaayeen, iyaga oo doonayey dad ay ku xoogsadaan iyo qaniimad cusub oo ay manaafacaad-sadaan, waxaana la rumaysan yahay inuu damaca Reer-Yurub ka dhashay ilbaxnimadii kacaankii Wershadaha. Sidaa darteed dawladihii Reer-Yurub waxay qabsadeen dalal badan oo dunida ah, kuwaas oo ay ku amar-kutaaglaynayeen sannado badan. Hase yeeshee haysashada gumaystayaashii Reer-Yurub ma noqon mid waarta, waxaana jeer dambe dalalkii ay gumaysan jireen ka soo if-baxay kacdoono ay ujeedadoodu tahay gobanimo doon. Gumaystayaasha Reer-yurub muddo sannado ah ayey isku dayeen inay bakhtiiyaan kacdoonadaa, laakiin taasi waxay ku noqotay mawjado aanay iska caabbiyi karin, dabadeedna waxay uga wareegeen dhinac kale, taas oo ay bilaabeen inay tababaraan rag wadanka u dhashay oo falsafadahooda fuliya oo marka ay wadankaa xoriyadiisa siiyaan ay xukunka kaga tagaan, kuwaas oo markii hore la moodayey madaxweynayaal, laakiin la odhan karo waxay ahaayeen badhasaabo ay gumaystayaashii meesha dhigteen. Sida la ogyahay dhulalka Somalidu waxa uu ka mid ahaa meelaha ay gumaysatayaashii Reer-yurub gacanta ku dhigeen, sidaa darteed Somaliland waxa sannado badan xukumayey gumaystihii Ingiriiska, sidoo kalena somalida koonfureed waxa sannado badan xukumayey gumaystihii Talyaaniga, laakiin lixdamaadkii ayey dal-ba madax banaani qaateen, ka dibna, iyadoo loo jibbaysan yahay Somali weyn ayey midoobeen. Hase yeeshee dawlad-nimadu guud ahaan waxay ahayd mid magac mooyaane aan man-fac ahaan iyo macne ahaan la garanayn. Sidaa dawladnimadii iyo midnimadii Somaliyeed ma noqon mid la mahadiyo, waxaana lagala kulmay dhibaatooyin badan. Arintu waxay socotaba sannadkii 1991-kii ayaa shadaafaha loo laabay qasrigii Muqdisho ee looga talin jirey jamhuuriyadii Soomaaliyeed, sidaa ayeyna ugu dhamaatay taliskii Muqdisho fadhyey iyo Jamhuuriyadii Soomaaliyeed-ba, taas oo ay Somaliland ku dhawaaqday inay la soo noqotay madax banaanideedii ay lixdankii kula midowday Somaliya. Waqtigaa waxa laga joogaa 12 sannadood oo dhow-dhow, waxaana dhinaca Somaliya wixii mudadaa ka dambeeyey lagu mashquul-sanaa xusul-duub lagu baadi goobayo midnimadii Somali-weyn ee dhimatay, iyadoo ay ololahaa hormuud ka ahaayeen ama ka yihiin raggii ka soo degay naxashkii laga dejiyey dawladdii Soomaaliyeed ee dhimatay. Hadaba su’aashu waxay tahay dawladdii Soomaaliyeed ninkii ay la bakhtiday, isaga oo shidhka ugu jira ama sannado badan daawanayey wixii ay ku bakhtiday ee waxba ka odhan waayey ma soo noolayn karaa maanta oo ay sii mootanayd dhawr iyo toban sannadood, jawaabta waxaan u dhaafayaa ra’yul-caalamka, laakiin runtu waxay tahay marka horeba waxa jirtey garasho la’aan laga qabey macnaha dawladnimada, taasina waxay saamayn ku yeelatay macnihii midnimada oo ahayd mid loo maray marin habowsan. Sidaa darteed ragga maanta weli haybanaya dawlad midnimo Soomaaliyeed taariikhda dib haw eegeen. Hase yeeshee ummadda magaca soomaaliyeed ku abtirsata waxaan xusuusin lahaa inay aad u fahmaan inay dawladnimadu tahay kembeniga ugu weyn ee ay dadku ku shuraakoobaan, waana wax u baahan aaminaad iyo qiyam wanaagsan oo lagu maamulo, isla markaana waa in dhaqaajinta tareenka dawladnimada loo helo darawal fiican oo aan dadka ku qalibin ama qaar ka daadin sidii hore u dhacday, sidaa darteed hadii ay markii hore khasaartay dawladdii ay Somaliland iyo Somalida koonfureed ku shuraakoobeen mar dambe way adag tahay sida la isu aaminaa ee yaan la daalin, aniga oo leh qaranimada Soomaaliyeed ee doon-doonaysaa ma aha alaab taalla dukaamada Kenya, Itoobiya, Jabuuti ama dal kale. Sidaa awgeed waxaan odhan lahaa yaan lagu daalin wixii hore u bakhtiyey, ragga baadi doonayaana yihiin raggii saarnaa tareenkii qalibmay. Shalay Iyo Shirka Urur-Siyaasadeedka Kulmiye Hargeysa (Haatuf): urur-siyaasadeedka KULMIYE oo uu shirweyne uga socdo hoolka shirarka ee Hudheelka shaqaalaha, Hargeysa ayey shalay ergooyinka shirkaa fadhiyaa ansixiyeen xeer-maamulka iyo barnaamij siyaasadeedka uu ururkaasi yeellan doono, waxayna ergooyinku labada mawduuc ku ogolaadeen cod aqlabiyad ah, ka dib markii ay dodo ka yeesheen labadii maal-mood ee ina dhaafay. Sidoo kale waxa uu shirweynaha ururka KULMIYE maantana dooranayaa madaxda ururka, iyadoo shirweynaha ururka KULMIYE isla maanta la soo gebogebaynayo, wuxuuna shirkaasi furmay Sabtidii doraad, taas oo sida ajandahiisa ku cad loogu talo galay inuu socdomuddo saddex maal-mood ah. Shirweynaha ururka KULMIYE waxa ka qayb qaadanay ergooyin ka kala yimi gobolada Somaliland oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa 330 qof, iyadoo uu ururka KULMIYE intii ka horaysay shirweynaha gudoomiye ka ahaa Siyaasiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana waxa la saadaalinayaa in haddana uu shirweynaha KULMIYE gudoomiyaha ururka u dooranayo Axmed-Siilaanyo. Xaaladda Degmada Sheekh Warbixin – Weriyaha G/Saaxil Sheekh (Haatuf): Dayactir lagu samaynayo dhismaha dugsiga sare ee degmada Sheekh ayaa hadda gebogebo ku dhow, laakiin dhinaca kalena waxa darxumadiisa aad loo dareemayaa burburka iyo dayaca ka muuqda Cusbitaalka weyn ee magaalada Sheekh. Weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera, C/raxmaan X. Daahir oo toddobaadkan booqday magaalada Sheekh ayaa war-bixin kooban nooga soo diray xaaladda magaalada Sheekh, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay: “Magaalada Sheekh ee ku taal figta sare ee silsiladda buuraleyda Golis, waxa ay qiyaas ahaan dhulka xeebta ka saraysaa ilaa 1428 Ft. Sidaa darteed qofka ka taga cimilada kulaylka badan ee xeebta Berbera marka uu gaadho foodda sare ee ay ku taal magaalada Sheekh waxaad dareemaysaa neecowda qabow ee cimilada degaanka Sheekh, iyadoo aad had iyo goor arkayso ceeryaamo ku gedfa degaanka buuraleyda ah ee Sheekh, laakiin degaamadaa oo inta badan looga bartay jawi cagaaran hadda waxa ka muuqda jawi abaareed, iyadoo ay taa ugu wacan tahay roobabkii badnaa ee heli jirey horaanta dayrta oo aan weli ka di’in, iyadoo ay degaamadaa ku badan yihiin beeraha xili roobaadka ahi. Inkasta oo ay degmada Sheekh hadda ku jirto xili jiilaal ah, haddana waxay magaalada la ceeryoontay dad badan oo kaga soo xagaa baxay kulaylka ba’an ee waqtigan xaadirka ah ka taagan dhulka xeebaha ah, gaar ahaan magaalada Berbera. Hayadda samafalka ee la yidhaahdo SOS ayaa hadda ag hayadda keliya ee waqtigan xaadirka ah ka hawl-gasha degmada Sheekh, waxayna hayadaasi gacanta ku haysaa mashruuc gebogebo ah oo lagu dayactirayo dugsiga sare ee degmada Sheekh, iyadoo ay dugsigaa hore uga muuqan jirtey durmo badani, laakiin uu hadda muuqaalkiisa isbedel weyni oo ka muuqdo, taas oo uu ka mid noqday meelaha hadda ugu bilicda dheer magaalada Sheekh. C/raxmaan X. Jaamac oo ah ninka ugu da’da weyn Reer-Sheekh oo ay da’diisu tahay 110 jir ayaa mar aan wax ka waydiiyey sooyaalkii ee dugsiga sare ee degmada Sheekh ayaa yidhi “ Iskuulka sare waxa uu ahaa iskuulkii ugu horeeyey ee ay dawladda Ingiriisku noo dhisto, waxaana dhismihiisa ogolaaday oo saxeexay 18 oday oo Reer-Sheekh ah, wuxuuna waqtigaasi ahaa 1934-kii”. Hase yeeshee marka laga yimaado isbedelka uu dugsiga sare ku sameeyey dayactirka ay hayadda SOS ku samaysay, waxa uu arag xumi ka muuqdaa cisbataalka weyn ee Sheekh oo hadda ah meel dayacan oo ay dad xaafad ahaan u degan yihiin, laakiin dayaca muuqdaa intaas oo qudha ma aha ee waxa muuqda baahiyo, waxayse degmada Sheekh horumar iyo wax qabad kaleba ka sugaysaa dadkeeda iyo dawladeed intaba”. Dawladda Itoobiya Oo Ka Mamnuucday Killilka 5aad Shillin Somaliga Addis Ababa (Sharqul-awsad) wargeyska sharqul-awsad ee ka soo baxa London ayaa war uu qoray ku sheegay, inay dawladda Itoobiya Mamnuucday in lacagta shillinka Soomaaliya lagu isticmaalo deegaanka Soomaalida Itoobiya. Sida uu qoray wargeyska (sharqul-awsad) oo ka soo baxa London cadadkiisii shalay dawladda Itoobiya waxay u qaaday talaabadan iiyadoo ka cabsi qabta inuu isticmaalka shillinka Soomaaliya keeni karayo dhibaatooyin, dhaqaale Waxaanay dawladdu uga digtay dadka isticmaala shillinka Soomaaliya, cidii lagu arkana laga qaadi doonaa ganaax lacageed. Marka laga tago warkan uu qoray wargeyska sharqul-awsad ilaa hadda ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Itoobiya. Maraykanka Iyo Urdun Oo Shalay Wada-Jir U Bilaabay Dhoolla-tus Milateri Cammaan (W. Wararka): Dalka Urdun ee ku yaal lama degaan Carabta Koonfurtiisa waxa shalay ka bilaabmay dhoolatus milateri oo ay wada jir u samaynayaan ciidamada Maraykanka iyo Urdun. Dhoolatuskan milateri waxa uu ku soo beegmay waqti uu dalka Urdun ka jiro dareen kor u sii kacaya oo ku saabsan wer-wer laga qabo weerar uu Maraykanku ku qaado dalka Ciraaq, laakiin wararka ka soo baxay dalka Urdun ayaa sheegay in ciidan, kuwa badda ah oo aan tiradiisa la cayimin oo Maraykan ah uu shalay ka soo degey dekedda magaalada Aqaba, kuwaas oo ka qayb gelaya dhoolatuska oo ah mid hore loo qorsheeyey, waxaase la sheegay inaanu dhoolatuskani qayb ka ahayn weerarka Maraykanka ee ku jihaysan dalka Ciraaq. Af-hayeen u hadlay dawladda Urdun ayaa wakaaladda wararka ee REUTERS u sheegay inay ciidamada Urdun ka qayb qaadanayaan dhoolatuskaa milateri, kaas oo uu sheegay inuu ka mid yahay dhoolatusyo ay sannad walba la sameeyaan dalalka ay saaxiibka yihiin. Saraakiisha milateriga ee Maraykanka ayaa maal-mihii u dambeeyey ku cel-celiyey wararka sheegaya inay dawladda Maraykanku dalka Urdun u isticmaalayso saldhig ay kaga duusho dalka Ciraaq ama goob ka caawisa wixii tas-hiilaad ah ee ay ciidamadu Maraykanku u baahdaan xiliga dagaalka. Kornayl ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka oo la yidhaahdo Mr: Dave Lapan ayaa sheegay in dhoolatuska milateri ee ay wada jirka u samaynayaan ciidamadooda iyo ciidamada dalka Urdun uu yahay mid ay ciidamada labada wadan sannad walba wada jir u samayn jireen laga soo bilaabo sannadkii 1987-kii. Hoos U Dhac Dhaqaale Oo Soo Food-Saaray Shirkadda Diyaaradaha US Airways New York (W. Wararka): Shirkadda diyaaradaha ee la yidhaahdo US-Airways ee dalka Maraykanka ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inuu hoos u dhac ku yimi dakhligeedu laga soo bilaabo tan iyo markii ay dhacday duqayntii magaalooyinka New york iyo Washington ee kal hore. Shirkaddan oo ah shirkadii u horaysay shirkadaha diyaaradaha dalka Maraykanka ee daboolka ka qaadda inuu hoos u dhac dhaqaale ku yimi waxay taasi soo if-baxday 11 bilood ka dib markii ay qaraxyada cul-culus ee weerarka ahi ka dhaceen dalka Maraykanka, taas oo saamayn weyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee shirkadaha diyaaradaha, ka dib markii diyaarado lagu qarxiyey meelo ay ka mid yihiin dhismayaashii xaruntii ganacsiga adduunka ee magaalada New York iyo xaruntii gaashaandhigga Maraykanka ee magaalada Washinton. Shirkadda US-Airways oo ah shirkadda 7aad ee ka shaqaysa hawlaha duulimaadyada dalka Maraykanka waxay maamulayaasha shirkadaasi sheegeen inay hawlaha shirkadda u socon doonaan sidii caadiga ahayd, isla markaana ay rajaynayaan inay shirkadda ka soo kaban doonto hoos u dhaca dhaqaale ee soo food saaray ilaa horaanta sannadka soo socda. Shirkadda US-Airways waxay maalinimadii Axadda ee doraad diiwaan-gelisay xaddiga hoos u dhaqaale ee ku yimi, taas oo marka hore la sejeley hantida guud ee shirkadda oo ah $7.81US-dollar bilyan. Waxa kale oo la diiwaan-geliyey ku talo galka miisaaniyadda shirkadda oo laga dhigay $7.83 US-dollar Bilyan, sidoo kale waxay maamulayaasha shirkaddaasi sheegeen inuu socodka xisaabaadka lacagta cadaanka ah ee shirkaddu uu hadda yahay mid salka dhulka ku haya. Kuxigeenka Madaxa shirkadda US-Airways, Mr: Chrisst Chiamas ayaa sheegay inay xaaladda dhaqaale ee shirkadda soo food saartay tahay mid dhammaan doonta oo laga gudbi doono inta ka horaysa dhamaadka xiligan xagaaga ee lagu jiro oo ah xili ay dadku aad u safraan. Mr. Chiamas waxa uu ku tilmaamay hoos u dhaca dhaqaale ee ku yimi shirkadiisa inuu ka dhashay, ka dib markii ay dad badan oo markii hore diyaaradaha ku safri jirey u wareegeen dhinacay tareenada iyo baabuurta, halkaana waxa ka cad in shirkadda US-Airways ay tahay shirkadda ay dhibaatada ugu weyn ee dhaqaale ka soo gaadhay dhacdadii qaraxyada ee dalka Maraykanka ka dhacday 11-kii Sabtembar sannadkii 2001, laakii dawladda federaalka ee Maraykanka ayaa hadda shirkadaa u ogolaatay $900 Milyan oo Dollar, lacagtaas oo la sheegay inay ka mid tahay deyn gaadhaysa hal bilyan oo doolarka Maraykanka ah oo ay dawladda Maraykanku ugu talo gashay inay shirkadda US-Airways kaga soo kabato hoos u dhaca dhaqaale ee la soo dersay. Hase yeeshee maamulayaasha shirkadaa ayaa muujiyey digniin ah inaanay shirkadoodu ka fursan karayn hoos u dhaqaale, xataa marka loo ogolaaday lacagtaa deynta ah ee ay dawladdu siisay. Shirkadda US-Airways oo ay xarunteeda ku taal magaalada Arlington oo ku taal gobolka Virginia ee dalka Maraykanka waa shirkadda ugu weyn ee isticmaasha madaarka loo yaqaan Reagan Washington Airport. Maamule-kuxigeenka shirkadda US-Airways, Mr.Chrisst Chiames inaanu hoos u dhaca dhaqaale ee shirkadda soo food saaray saamayn ku yeellan doonin dib-uhabayn lagu samaynayo dhaqaalaha shirkadda, taas oo lagu dhimayo isticmaalka kharashaadka shirkadda lacag gaadhaysa $1.2 bilyan doolar sannadkiiba. Shirkadda US-Airways waxa kale oo ay sheegtay in heshiis wadaag ah oo ay la gashay shirkad kale oo diyaaradaha ah oo la yidhaahdo UNITED ay ka heli doonto lacag dhan $200 milyan oo doolar, iyadoo uu heshiiskaasi dhigayo inay labada shirkadood kala iibsan karaan tigidhada diyaaradahooda. Shirkadda US-Airways waxay suuq badan ku haysatey safarada dhinaca xeebaha bari ee dalka Maraykanka, halka ay shirkadda ay heshiiska la gashay ee UNITED ay suuq ku haysato safarada dhinaca galbeedku iyo bariga Maraykanka. Shirkadda US-Airways waxa kale oo qorshaha ugu jirta inay hesho lacag dhan $950 milyan oo doolar, lacagtaas oo ka imanaysa kharash dhimid ay ku samayn doonaan shaqaalahooda, ka dib markii ay maamulayaasha shirkadaasi wada hadalo la yeesheen ururada shaqaalaha ee ay leeyihiin shaqaalaha ka shaqeeya shirkadoodu. Mr: Roy Freudlich oo u hadlay urur ay ku bahoobeen duulayayaashu ayaa sheegay inay hore u sameeyeen tanaasulaad dhinaca kharash dhimidda ah, sidaa darteed ay nasiib daro u arkaan inay shirkadda US-Airways soo bandhigto khasaare. Shirkaddani waxay leedahay ilaa 340 diyaaradood oo ah nooca loo yaqaan JETS, waxayna sannadkii hore diyaaradahoodu safaradii ay sameeyeen marka la isu geeyo raacay dad ay tiradoodu gaadhayso 56 milyan oo qof, dadkaas oo u kala safray ilaa 200 oo goobood oo ku ka kala yaal dalalka Maraykanka, Kenada, Mexico, Caribbeanka iyo dalalka Yurub. Sharon Oo Soo Dadejiyay Doorashooyinka Dalkiisa Jerusalam (Reuters) Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Mr Ariel Sheron ayaa sheegay shalay inuu hore u soo dhigi doono doorashooyinkii ka dhici lahaa dalka Israa’iil October 2003, ee sanadka soo socda, wuxuuna ku dhawaaqay in ay doorashooyinku ka dhacaan dalka Israa’iil Bisha January 2003. mr. Ariel sheron wuxuu talaabadan qaaday ka dib markii ay xisbiyada labour iyo shas ee dalka Israa’iil ay ka soo horjeesteen codayn loo qaaday miisaaniyada 2003 ee uu soo bandhigay Mr. Ariel Sheron si loogu dhaqo dalka Israa’iil sanadka soo socda ee 2003. Xisbiyada laybarka iyo shas ee Israa’iil ayaa u muuqda kuwa aan diyaargarowgoodu fiicnayn haddii doorashooyinku ay dhacaan bisha January ee sanadka fooda inagu soo haya. Baarlamaanka Israa’iil ayaa cod u qaaday miisaaniyada 2003 ee dalka Israa’iil, miisaaniyadaasi oo dhan (269) bilyan oo ah lacagta Shekels ee laga isticmaalo Israa’iil una dhiganta (56)$ bilyan oo doolar Maraykanka. Ofir Pines oo ah sharci yaqaan ka tirsan xisbiga laybarka ee Israa’iil ayaa sheegay in uu Areil Sharon u soo dedejiyay doorashooyinka si ay doorasho uga dhacdo Israa’iil oo aan aad loo xaqiijin xumaanta maamulkiisa. Hogaamiyaha xisbiga garabka midig ee Israa’iil ee lagu magacaabo Likud Mr. Ariel Sheron oo hada ah Ra’iisal wasaaraha Israa’iil oo isagu ka hadlaya arrinta doorashada, ayaa isaguna shalay sheegay in haddii la weydiiyo isaga xiligan in ay doorasho dhacdo in uu odhan lahaa kuma haboona laakiin wuxuu yidhi ma doonayo sidii hore u dhacday inaan xisbiba xisbi uga gudbo. “Mucaaridka Ciraaq Waa Budhadh Aan Macno Lahayn Oo Wax Lagu Garaacayo” Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq Dubai (Reuters) – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ciraaq ayaa shalay sheegay in hawshii kooxda Qaramada Midoobay ee hubka ka baadhaysay Ciraaq ay dhammasyteen hawlahoodii 4 sannadood kahor intii aanay kooxdaasi ka bixin dalka Ciraaq. Mohamed Saciid Al-Sahaf oo ah wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ciraaq ayaa u sheegay Idaacada la iska arko ee Al-Jazeera warka ah in hawshii kooxda Q. Midoobay ee baadhista hubka halista ahi ay hore uga dhammaatay dalka Ciraaq. Mr. Al-Sahaf, wuxuu kale oo uu ku sheegay waraysigaas dhacay maalintii Isniintii ee shalay in aan marti-qaad uu dalkiisa Ciraaq marti-qaaday inay yimaadaan koox ka tirsan Q. Midoobay, aanay ku jirin in hawsha baadhista hubka halista ah ay qaramada midoobay dib uga bilawdo dalka Ciraaq. Xoghayaha Guud ee Q. Midoobay Mr. Kofi Annan ayaa sheegay in loo baahan Yahay in ay Ciraaq oggolaato kooxda baadhista hubka halista ah ee Q. Midoobay in ay dib ugu noqdaan Ciraaq, si ay hawshoodii halkaa uga sii wataan kahor inta aan Ciraaq laga qaadin cuno-qabatayntii ay ku soo rogtay Q. Midoobay sannadkii 1990, kadib markii ay Ciraaq weearartay dalka Kuweyt. Wadamo ku yaal Yurub iyo kuwo ku yaal Bariga Dhexe, ayaa uga digay Maraykanka weerar ay ku qaadaan dalka Ciraaq. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ciraaq, wuxuu u sheegay TV-ga Jazeera in ay dawladdiisu si fudud u caddayn karto eedaynta Maraykanka ee ah in ay Ciraaq samaysanayso hubka sida ba’an wax u gumaada ama horeba ay u samaysatay. Xukuumadda Washington ee Maraykanka ayaa kulan la leh mucaaradka ku kacsan dawladda Ciraaq, si ay uga wadahadlaan xukun ka tuurista Sadam Xuseen-ka xukuma Ciraaq. Laakiin Mr. Sahaf, wuxuu ku tilmaamay kulanka u socda Maraykanka iyo mucaaradka Ciraaqiyiinta ah ee ku saabsan dawladda Ciraaq iyo Maamulka dalka Maraykanka in ay yihiin mucaarad Ciraaq budhadh wax lagu garaacayo oo aan macno kale lahayn. Kulankana wuxuu ku tilmaamy hagardaamo uun inuu kordhin doono. DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA Cumar Daahir Cumar Geedka Xabaasuudda: Beeristiisa, Isticmaalkiisa Iyo Ka Ganacsigiisa Iniinta madow waxaa laga helaa dhirta Nigella Satifa waxa loo yaqaanaa Xabaasuuda oo kale “Iniinta Barakaysan”. Xabaasuudu waa dhir kayn ah oo u baxda dherer ahaan ilaa 8 iinj, oo bixisa ubax cadaan iyo buluug isugu jira. Xabaasuuda aan urta badan lahayn waxaa la isticmaalayay muddo ilaa 2000 oo sanadood ah, waxaana lagu tixgaliyaa inay tahay xabasuudu dawada ugu qiimaha badan waligeed daawooyinka dhirta laga sameeyo. Inkastaoo waxoogaa ama aan xabasuuduba ka bixin Somaliland gudaheeda balse si dhib yar ayaa looga helaa Itoobiya iyo Khaliijka. Isticmaalida Somaliland gudaheeda shaaha ayaa lagu darsadaa, bunka iyo cuntada kuwa aan dhadhanka wanaagsanayn. Waxa kale oo loo isticmaalaa saabuun ahaan iyo badeecada saabuunta ah oo xabaasuudi kujirto Sucuudiga ayaa laga soo dhoofsadaa dalka gudihiisana waa laga helaa. Saliidan jidhka ayaa la mariyaa adiga oo adeegsanaya dhar khafiif ah iyo timaha taas oo ka ilaalisa daawaysana toxobta iyo daadashada timaha. Xabaasuuda waxa loo isticmaalaa siyaalo kala duwan qaybaha kala duwan ee dunida. Dadyawga dunida Islaamkana aad ayay u daneeyaan inkastaoo wadamada reer galbeedkana ay aad uga soo shaac baxayso. Waxa loo isticmaalaa geedaha cuntada lagu udgooneeyo waxa kale oo dhadhan loogu yeelaa Khamriga la cabo, basbaas ahaan ayaa loogu daraa rootiga iyo keega iyo cuntada oo ay inay xumaato ka ilaaliso. Isticmaalka daawo ee xabaasuudu wuu kala duwan yahay. Waxa ay kordhiyaan caanaha naaska hooyada oo ka daawo ah xanuunada ku dhaca xiidmaha, beerka iyo calool istaaga. Waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu luqluqdo cunaha daawo ahaan iyo iyadoo jidhka la mariyo oo lagaga daaweeyo finanka dheecaanka leh. Waxa kale oo ay daawo ka tahay lafa xanuunka iyo xiiqda. Xabaasuudu waxay caawisaa in uu wanaagsanaado hab dhiska dheefshiidka, nadiifisaa jidhka, dhiigana sifaysaa. Waxa kale oo loo isticmaalaa waxa cayayaanka erya iyo qurxinta jidhka. Suuqa Inta badan badeecaadka xabaasuuda waxa loo adeegsadaa waxyaabaha laysku qurxiyo iyo caafimaad ahaanba. Badeecada sida kaabsoolka, saabuunta, shaanbooyada, kiriimyada iyo kiniinka la muudmuudsado ee hargabka loo isticmaalo ee saliida xabaasuuda lagu daray waxa lagu iibiyaa Yurub iyo Maraykanka. Badeecaadka ugu badan ee xabaasuuda laga sameeyo ee lagu iibiyo Maraykanka waxa laga keenaa Masar iyo Sucuudiga xabaasuuda waxaa si aada looga isticmaalaa Turkiga, Lubnaa, iyo Iraan. Fursadaha Waxyaabaha xabaasuuda lagu daro sida asiidho kala duwan oo loo adeegsado samaynta daawooyinka iyo warshadaha ayaa isticmaala. Fursado way heli karaan ganacsadayaasha hal abuurka iyo fikrada cusub abuura si ay ugu helaan badeecadooda cusub suuqyo kala duwan macaamiisha Bariga dhexe iyo Afrika caadi ahaan ayay u isticmaalaan iniinyaha iyo saliida iyadoo sideedii dabiiciga ahaa ah laakiin iyadoo si heer sare ah loo bushqadeeyo ayaa waxay badeecada u sameyn lahayd suuq firfircoon. Beerida Goosashada Iyo Bushqadaynteeda Inkastoo ay duurka ka baxdo wadamo badan, waxaa laga beeray Yurub iyo Ilaa wadamada Bariga Fog, beeritaankoodu waa wax aad u fudud si toos ah ayaad iniinyaha dhulka ugu daadinaysaa kaagamana baahna inaad waraabiso. Geedku dhararkiisu 18inj ayuu gaadhaa. Midhahana waxa laga goostaa marka ay midabka huruuda ah yeeshaan, waxaana lagu xidhaa maro ama wax qabta iniinyaha si ay u qabtaan marka qoloftu dabacdo si aanay iniinyuhu u daadan. Iniinyaha markaa waa la qalajiyaa oo la shaandheeyaa si buushaha looga reebo. Iyadoo la eegayo qaabka loo isticmaali doono iniinyaha waxaa loo ridqi karaa budo ahaan, laga miiri karaa saliid ama loo sifayn karaa saliid daruuri ah. Ridqida ama miirida iniinyaha waxaad u baahan tahay midxin iyo saliid miire, sifaynta aad saliid daruuri ah u rogaysana waa inaad haysataan qalabka uumi bixiya ee lagu sifeeyo saliida. Si kastaba ha ahaatee waa suurta gal in aad hesho iniinyo sifeeyay qof ka ganacsada xabaasuudu. Inaad hesho iniinyo uu sifeeyay qandaraasle ama habeeyayaashu haddii qiimaha qalabku kugu noqdo waxaanad goyn karaynin. Faa’iidooyinka Bulshada Inkastoo ay u muuqato in aanay hadda xabaasuudi ka bixin dalka gudihiisa, waxaase laga helaa dariskaaga Itoobiya. Waxaa jira saadaal wanaagsan oo ah inay ganacsadayaashu iibsadaan oo ay u sifeeyaan bushqadeeyaan iniinyaha dalka gudihiisa iyo suuqyada dibadaba. Meel ku haboon, geedahan waa laga beeri karaa adigoo u sugaya si joogta ah in loo helo, yaraynayana kharashka galaya ganacsi kasta oo ku leh sifaynteeda. Dhibaatooyinka Iyadoo xadi aad u yar ama xabaasuudi ka bixin Somaliland, waa lagama maar maan in laga soo dhoofsado iniinyaha Itoobiya ama meel kalaba haddii xadi aad u badan la rabo in la sifeeyo, tababaro ayaa lagama maar-maan ah in laga bixiyo lana siiyo beeralayda sida loo beero xabaasuuda ganacsi ahaa. Sida Hore Loogu Talaabsanayo Heerka wax soo saar iyo bushqadaynta xabaasuuda ee Somaliland ayaa u baahan in la hirgaliyo, lana ogaado cida ubaahan. Kharashka galaya beeritaankeeda in la barbar dhigo oo la isu eego marka la soo dajisto iniinta oo la falanqeeyaa. Waa in loo sahamiyaa suuqyo badeecada imika jirta ee xad-dhaafka ah iyadoo kuwa kor loo qaaday tayadooda looga sii hanaqaado in ay helaan ama soo jiitaan suuqyo cusub Barashada Cilmiga Dhirta Iyo Deegaanku Waa Lama Hurraan Si horumarin loo gaadhsiiyo deegaanka waxaa lagama maarmaan ah kor-uqaadida aqoonta laga maarmaanka u ah deegaanka iyo dhirta iyo noolaha kale ee ku nool. Cilmiga loo yaqaan (Agricultural Sciences) ayaa ah mid barashadiisu ay waxtar u keeni karto horumarinta deegaanka, daryeelka dalagyada daaqa, keymaha, xoolaha Iwm. Marka la qeexo waxaa lagu tilmaamay cilmiga loo yaqaan agricultural sciences ee marka Af-soomaali lagu turjumo lagu magacaabo cilmiga beeraha, laakiin marka la dhuuxo ah cilmi khuseeya dhinacyo badan oo deegaanka iyo nolosha. Agricultural sciences, waa cilmi khuseeya qaabka loo soo saaro raashinka, dharka iyo hoyga ay galaan dadku. Wax-soo saarkaa waxaa ka qayb ah xoolaha iyo dhirta dhammaan kuwa la beero, iyo kuwa iskood u baxayba. Barashada cilmigan waxaa qayb ka ah qoonta loo adeegsado dhaqaalaynta Ciida, Biyaha, ilaalinta hawada iyo dhirta kaymaha ku taal. Waxaa iyana ka mid ah kor u qaadista aqoonta tayada waxsoo saarka iyo tirada dalagyada la quuto. Aqoonta isku dhafan ee lagula dagaalo cudurada, cayayaanka, xayawaanka waxyeelada u leh dalagyada beeraha ee baabi’iya ama hoos u dhiga faa’iidad iyo tirada waxsoo saarka loo beertay (integrated pest management). Si looga diyaar garoobe waxyeelada xiliyada jilaalka iyo abaarta waxaa lagama maarmaana barashada cimilada deegaanka iyo saadaasha. Arrintani waxay u baahantahay barashada aqoonta, Climotology oo ah qayb ka mida cilmigan (agricultural science). Waxaa kale oo lagu bartaa cilmigan (agricultural science) sida loo warshadeeyo cuntada iyo sharciyada warshadaynta cuntada, sidoo kale waxa ka qayba barashada farsamooyinka iyo kiimikal ay ka samaysanyihiin sumaha iyo nafaqooyinka lagu isticmaalo beeraha. Barashada aqoonta xayawaanaadka dab joogta ah sida fardaha, dhaqaalayntooda iyo dhaqistooda ayaa iyana ah qayb ka mida cilmigan. Ornamental horticulture ayaa ah qaybta ka mida cilmigan ee lagu barto dhirta loo beerto quruxda. Flori culture ayaa ah barashada aqoonta dhirta loo beerto ubaxa ama falaawerka ee qurxinta dhismayaasha, magaalooyinka iyo beeraha nasashada. Barashada dhirta leh midhaha ee sanadaha badan jira sida cambe lafka, liinta, sayntuunka, muuska, babayga, iwm, ayaa isagana qaybtiisa cilmigan loo yaqaan Pomology Horiculture, barashada khudrada noocyadeeda kala duwan ayaa iyana leh maadadooda u gaarka ah oo loo yaqaano (oleri culture). Wax soo saarka beeraha ama xoolaha iyo kaluumaysigu inta badan waa muhiimada koowaad ee dhaqaalaha dalalka adduunka waxaanay saamayn weyn ku leeyihiin heerka nolosha ee dalkastaa leeyahay iyo Ganacsiga caalamiga ah ee la leeyahay dalalka dunida. Barashada laamaha uu khuseeyo iyo cilmiga kale ee xidhiidhka la leh aqoonta iyo cilmiyada Agricultural science waxay qayb ka tahay isfahamka iyo nabad ku wada noolaanshaha dadyowga dunida. Barashada cilmiyadan aynu ku xusnay qoraalkani, waa mid u adeegaya ilaalinta iyo daryeelka deegaanka iyo si haboon uga faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah. ODHAAHDA AKHRISTAHA Qaxootiga Djabuuti Laga Soo Raray Waa Jabhadii La Dagaalami Jirtay Canfarta Ma ogyihiin dadweynaha Somaliland qaxootiga Jabuuti (Djibouti) laga keenayo inay yihiin jab-hadii la dagaalami jirtay Jabhadda Canfarta. Dad qaxooti ah oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland ma joogaan dalka Jabuuti (Djibouti). Hayadda u qaabilsan qaxootiga aduunka (UNHCR) ayaa ka cod-sadsatay madax-weynihii hore Eebe ha u naxariistee Egal in lagu soo celiyo dad qaxooti ah dalka Somaliland. Markaa Egal waxa uu u diray wafdi (sannadkii 2001) inay soo xaqiijiyaan arrintaas. Wafdigu waxa uu ogaaday in xilligaa dad qaxooti ah oo u dhashay Somaliland aanay joogin dalka Jabuuti. Waxaanu wafdigu ogaaday in qaxootiga jooga Jabuuti uu yahay Jabhadii Ciise ee ladagaalami-jirtay Canfarta. Egal waxa uu u sheegay hayaddda Caalamiga ah ee qaabilsan qaxootiga inaan qaxooti u dhashay Somaliland joogin dalka Jabuuti (Djibouti). Waxa hadaba isweydiin leh, qaxootigan soo
baxay markii Egal geeriyooday waa maxay ?? Jawaabtu waxay nalatahay sidan: a)- In dadkan qaxootiga lagu sheegay lagu beero Somaliland . b)-In Jabuuti (Djibouti) ka fogeyso dhibaatada ay keeni-karaan xaga nabadgeliyada iyo xaga dhaqaalahaba. c)- In Maamulka Jabuuti ku fuliso dadkaasi siyaadisii joogtada ahayd ee ku salaysnayd khal-khalinta nabadgelyada Somaliland iyo curyaaminta dhaqaalaheeda. Su a’sha meesha ku jirtaa waxaa weeye: - Somaliland ma u bahantahay jabhad cusub oo ajnabi ah oo khal-khalisa horumarkeeda iyo nabadgeliyadeeda?? Haddii ay jawaabtu tahay maya, maxaa qorsha ah oo arrintaa lagaga hortegayaa? Miss
Fatima Ali, Secretary- Council - (Somaliland Salvation Council), London
Ha Dhigin Garaadnimada, Oo Ha Qaadan Kornayl-nimada Anagoo ah dadweyne fara badan oo reer Somaliland ah degan degmada Caynaba, waxaanu aad uga xunahay waraysigii Garaad Abshir Saalax siiyay Haatuf ee cadadkii 119, axadii 21/7/2002. Waxaanu aad uga xumaanay oo anaga uun maahee aan filayno qofkii maalintaa akhristaaba cadadkaa aanu kor ku sheegnay, waraysigii uu bixiyay Garaad Abshir Saalax, kaas oo meel ka dhac badan sheegay sida reer Somaliland, gobolka sool, qaranimada iyo saxaafada intaba. Imika waxaad tahay “Garaad’ oo macnaheedu yahay caqli badane nabada ka taliya oo waliba heerka ugu saraysa ah, ee bulshada dhexdeeda. Horta waxaan doonaynaa inaad ogaato waxaad tidhi wax badan kaliya tan eeg (waxaanu is-tusnay in dadka isaga ahi raadinayaan jaanis, ay nagaga aargoostaan). Waxaad qabsataa in talo ummaddeed iyo mid qofeed iyo mid dawladeed oo aar-goosi sheegaysaa inaanay jirin. Waxaad xusuusataa in waxa aad ku sheegtay aar-goosi uu ka fekero qof dakane iyo dhibaato badan bulshada uu la nool yahay ku sameeyay, markaa haddii aad ahayd nin dulmi badan sameeyay dowladda iyo dadkuba 1991kii ayay go’aansadeen wixii hore in layska ilaawo “Aqbal” annagoo ah qorayaasha maqaalkan, degmada Caynaba ayaanu degenahay, taasoo gobolka Sool ka tirsan xogogaal baanu u nahay gobolka aanu ka tirsanahay, waayo? Ood wadaag baanu nahay ma’aha fikirkoodu, oo nooma joogto halka aad adigu isku cadaysay, wanaag badan bay naga mudan yihiin oo aanu ka mudanahay, anaga iyo dhammaan dadka reer Somaliland ba. Adiga laftaada Abshir Saalax bal eeg, · Shirkii Gooni-isu-taaga Somaliland ee 1991kii waad joogtay oo lagugu casuumay. · Shirweynihii Boorame waad joogtay oo madax baad ahayd · Shirkii Caynaan waad joogtay oo lagugu casuumay · Caleema saarka ugu danbeeyay ee Caynaba waad joogtay oo lagugu casuumay dhacdooyinkaa oo dhan hadalo meel ka dhac ahaa baad ka tidhi, oo Garaadnimada bulshada ayaa lagu ilaawayay, ilayn Garaadka Somaliland gees deggeni shacabka oo dhan buu Garaad u yahaye. Waxaan filayaa shirarka heerka qaran ahaa maad arag turxaan la’aan aad walaalahaaga S/land kula noolaato adoo Garaad u wada ah. Haddii kale Soomaali-weynta aad xanbaarsantahay adigu la sug marka iyo waqtiga soomaali wax noqoto murti baa ahayd “naftaada ceedhiin haw qarin” laakiin walaahi laba naga heli maysid ee ha ku seexan,. 1. wax baan hore u sameeyay oo waxba layma odhan waa sidaad tidhiye iyo 2. imikana waxaan doonayaa ayaan idinku samaynayaa oo idinka turjumayaa taasi ma suurtoobayso ee caddaan baanu kuugu baraarujinaynaaa, waxaanu ku soo gabagebaynaynaa, ha dhigin Garaadnimada oo ha qaadan Kornaylnimada, kuwii darajadaa sitayba waxay doon-doonayaaan wax mar uun ka dhiga kornaylnimadan baas ee macruufka noqotay. Cidi kuuma jeeddee hays fashilinin ilayn buubaal biyo uurkiisa ku jira ayuu ka didaaye. Axmed Caynab C/Jibaar Maxamed Cabdi Muuse Maxamuud Warsame Cali Waraaq Saleebaan Aadan Sidee Baa Kor Loogu Qaadi Karaa Waxbarashada Somaliland? Laga soo bilaabo 1991-kii heerka waxbarasho ee Somaliland waxa uu ahaa mid sannad-ba sannadka ka dambeeya sii kobcaya, taas oo marba marka ka dambaysa ay soo kordhayaan tirada Dugsiyada iyo tirada ardayda wax baratay ee Somaliland, laakiin waxaad moodaa inay da’yarta Reer-Somaliland hadda uun soo qabsanayaan sallaanka waxbarashada, iyadoo aad wadooyinka iyo suuqyada magaalooyinka ku arkayso arday lebisan dirays kala nooc-nooc ah oo, iyaga oo koox-koox u socda lalan-sanaya cutubyo buugaag ah. Hase yeeshee waxaad dareemaysaa inuu waxoogaa is-dhimay xiisihii iyo mooralkii ay ardaydu u haysay tacliinta, taas oo uu hadda jiro waxoogaa cago-jiid ahi, waxayse iswaydiintu tahay waa maxay sababtu, iyadoo ay su’aalaha meesha yaal yihiin debecu ma xagga ardayda ayuu ka yimi, ma xagga waalidka ayuu ka yimi, mise xagga macalimiinta ayuu ka yimi. Cidda doonaysa inay su’aalahan jawaab ka bixisaa waxa lagama maarmaan ah inay tahay cid wax ka og ama u dhuun-daloosha xaqiiqdu iyo xaaladaha geedisocodka waxbarashada, laakiin hadii aanu isku dayno sababaha keenay cago-jiidka ardayda la soo dersay, waxaanu marka hore odhan karnaa waalidka, macalimiinta iyo ardayda laftooduba sababta wax bay ku leeyihiin. Iyadoo uu macalinku yahay barbaariyaha iyo koriyaha maskaxda qofka, isla markaana waa qofka laga rabo inuu awdo albaabka jahliga, sidaa darteed xiisaha iyo mooralka uu ardaygu u hayo waxbarashada waxa saamaynta ugu muhimsan ku yeesha macalinka, laakiin macalinku waajibka culus ee saaran waxa uu gudan karaa oo keliya marka la daboolo baahidiisa nololeed, taas oo ay xaqiiqdu tahay inaanu macalinku ka soo bixi karin xilka culus ee laga rabo hadii aan marka hore baahidiisa meel lagu tiirin. Sidoo kalena waa in had iyo goor la kobciyaa xirfadda waxbarasho ee macalinka si uu aqoon isaga xejin karo duruusta uu gud-binayo. Hase yeeshee waxaanu ku talinaynaa inay macalilmiintu samaystaan urur u dodo xuquuqdooda, waxna ka qabta baahiyahooda kala duwan. Ardayda laftooda waxa looga baahan yahay inay daacad u noqdaan waxbarashadooda, kana shaqeeyaan sidii ay u kobcin lahaayeen aqoontooda, isla markaana waa inay iska ilaaliyaan wx kasta oo hadimo ku noqon kara geedi socodka waxbarashadooda, waalidkuna waa inay kor u qaadaan kaalinta ay ku leeyihiin waxbarshada ardaydooda, iyaga oo ku dedaalaya sidii ay ubadkooda ugu dhiiri gelin lahaayeen waxbarashada. Dhinaca kalena wasaaradda waxbarashada Somaliland Cidii ay doontaba ha kaashato, laakiin waxaanu kula talin lahayn inay abuurto qorsheyaal cusub oo kor loogu qaadayo tacliinta dalka iyo dhiirigelinta waxbarashada da’yarta, anaga oo ku talinayna in sannad kasta la qabto tartan aqooneed ardayda dhexdeeda ah, iyadoo lagu salaynayo qolo walba heedkeeda (dugsi hoose, dhexe, sare ama jaamacado) iyo in sannad kasta oo uu sannad-dugsiyeedku xidhmayo dugsi walba loo sameeyo munaasibado ardayda dugsi walba ugu waxbarasho ama akhlaaq wanaagsan lagu gudoonsiinayo abaal-marino kala duwan IWM. Maxamed Axmed Xuseen (Maxamed-case) iyo Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)< Hargeysa WAADIGA CIYAARAHA Saleebaan Gurey Tababare Cuper Oo Dalbaday In La Xaliyo Qadiyadda Ronaldo “Waa in la furdaamiyo qaddiyadda Ronaldo ka hor intaanu Kooxda ku soo noqon…” Hector Cuper Madrid (Reuters) – Tabobaraha kooxda Inter Milan Hector Cuper ayaa caddeeyay inaan Ronaldo iman karayn xarunta tabobarka kooxda Inter, tan iyo inta xal rasmi ah laga gaadhayo qadiyadda murugsan ee ciyaartoyga. Tabobare Cuper wuxuu sidaa ku sheegay waraysi Axaddii uu siiyay raadiye ku yaal dalka Spain. Muranka arrinta Ronaldo waxay soo baxday markii wakiilka ciyaartoygu dhowaan wadahadal la yeeshay Real Madrid oo uu kala hadlay siday suurtogal u tahay xal arrinta loo helaa. Wakiilka Ronaldo Martins ayaa haddana toddobaadkii tegay weriyeyaasha u sheegay in ciyaaryahanku goostay inuu Talyaaniga ku sii negaado oo uu dhammaysto muddada afarta sannadood ah ee heshiiskiisa uga hadhay, iyada oo Real Madrid-na ku dhawaaqday inay si cad uga talo-baxday arrinta ku saabsan iibka Ronaldo. Hase yeeshee, arrintu halkaa iskuma taagin ee wargeysyada Isbaanishka ka soo baxa ayaa weli qaadaa-dhigaya warar male-awaal ah oo la xidhiidha mustaqbalka weeraryahanka Brazil, taasina waxay shaki gelisay Hector Cuper oo Axaddii sheegay inaanay arrintu weli caddayn oo wax la qarinayaana ay jiraan. “Ma garan karo inuu tegayo iyo inuu joogayo, waxaan ogahay in isaga iyo kooxda hadal u socdo. Waynu eegi suurtogalnimada haddii uu tegayo koox kale amaba Real Madrid,” ayuu yidhi Cuper. Tabobaruhu wuxuu sheegay inay jirto xaalad qarsooni, ciyaartoyguna uu soo noqday isaga oo aan caadi ahayn. “Waa arrin iska cad in loo baahan Yahay in la furdaamiyo qadiyaddan, kahor intaanu Ronaldo dib kooxda ugu soo noqon,” ayuu ku daray. Tabobaraha Inter wuxuu tilmaamay in ay muhiim tahay inuu ka tago ciyaartoygu kooxda, haddaanu ku faraxsanayn. Hase yeeshee, wuxuu raaciyay qadiyadda Ronaldo inay sidaa ka duwan tahay, wuxuuna calaamatu su’aal saaray sababta keentay niyad-jabka Ronaldo. Tabobaruhu wuxuu muujiyay tuhun la xidhiidha khaladaad kaga yimi taageerayaasha oo ku canaantay muddadii dheerayd ee uu dhaawaca u jiifay. Tabobaruhu wuxuu qiray sidaanay u haboonayn in wax laga sheego qof dhaawac ah oo aan shaqayn karayn, wuxuuse caddeeyay inaanay ahayn mid dadku u dhammaayeen. “Markaanay kooxdu lahayn ciyaartoy muhiim ah way ka lumaan. Mase hubo inuu jiro wax uu lumiyay ciyaartoyg kale oo soo clein karaa, waayo aad bay ugu yar yihiin dunida ciyaartoy Ronaldo la mid ahi,” ayuu ku daray. Wuxuu kaloo yidhi; “waxaan doonayaa inuu joogo, kooxdu isaga ayay ku dhisan tahay, waana ciyaartoy muhiimad ugu fadhiya kooxdan.” Dhinaca kalena, wargeysyada ka soo baxa dalka Switzerland ayaa daabacay qaar ka mid ah qodobada uu Ronaldo uga tegayo Inter. Nilson Locatelli oo ay saaxiib yihin Ronaldo ayaa wargeys toddobaadle ah oo Switzerland ka soo baxa u sheegay in Ronaldo dalab uga yimi kooxo badan iyo inay Inter uga dhammaatay. “Ma doonayo inaan halkaa waqti dambe sii joogo,” Ronaldo wuxuu sidaa u sheegay Locatelli oo isna wargeyskaa u waramay. Warku wuxuu intaa ku daray oo uu sheegay qaar ka mid ah sababaha Ronaldo ku dhaliyay inuu ka hayaamo Inter. Wuxuu Locatelli yidhi; “Wuxuu ii sheegay amuuro badan oo aanan halkan ka wada sheegi karin, laakiin ay ka mid tahay tabobaraha Inter oo aanay heshiin karayn.” AC Milan Iyo Lazio Oo Ku Kala Booday Iibka Nesta Rome (Reuters) – kooxda AC Milan ayaa go’aansatay inaanay sii wadin dalabkeedii ay ku doonaysay difaaca Lazio ee Alessandro Nesta, qiimaha ciyaartoyga oo aad u qaali ah darteed. Lazio waxay diiday qiimaha loo gaadhay oo ah 17 milyan oo gini in ay ku iibsato difaacyahanka dhexda ka ciyaara, sidaa darteed ayay labada kooxood ee Talyaaniga ahi ku baabiiyeen wadahadalkii u dhaxeeyay. “Qiimaha waxaa diiday Lazio guddoomiyeheeda Sergio Cragnotti, wadahadalkiina wuxuu u muuqdaa inuu sidaa ku xidhmay,” sidaa waxa lagu caddeeyay war-murtiyeed Milan soo saartay. Maalintii Jimcaha ka dambaysay ayay kooxda Roma ka dhisani ku dhawaaqday inaanu Nesta tegayn. Iyada oo Milan ay sheegtay inay badka soo dhigtay qiime aan laga wadahadli karin oo ka sarreeya sixirka suuqa. Nesta oo ka soo kabtay dhaawac koobkii adduunka ka soo gaadhay, wuxuu ciyaaraha ka bilaabay Lazio, mana ay jeclayn inu ka hor-yimaado. Balse waxa qasbaya dhaqaale xumo faro ba’an ku haysa kooxaha kubadda cagta, kaas oo la sheegayo inay kaga badbaadi karto keliya inay iibiso qaar ka mid ah ciyaartoyga ugu muhiimsan oo ay ku jiraan Nesta iyo Argentiniyiinta caalamiga ah ee Hernan Crespo iyo Claudio Lopez. AC Milan bishii ugu dambaysay waxay heshiis la gashay xiddiga koobka adduunka ee reer Brazil – Rivaldo. Gerrad Oo Iska Difaacay Eeddayn Arsenal Kaga Timi Ciyaaryahanka Liverpool Steven Gerrard ayaa iska difaacay eedayn ka dhalatay murankii dhexmaray isaga iyo Patrick Vieira, taas oo tabobaraha Arsenal u soo jeediyay markii ay dhammaatay ciyaartii Community Shield oo ka dhacday Cardiff. Ninka khadka dhexe uga ciyaara England, waxa digniin la siiyay horraantii ciyaarta oo ay isku jiidheen Vieira. Hase yeeshee, wuxuu Wenger ku adkaystay in uu kaadhka cas xaq u lahaa. Gerrard wuxuu intaa kadib nasiib u yeeshay inuu ka badbaado kaadh cas, markii khalad kale uu ku galay Thierry Henry, kaas oo uu ku mutaystay canaan weyn oo loo jeediyay kulankii Arsenal 1-0-ka kaga badisay. Gerrard wuxuu ku adkaystay inaanu ula-kac falkaa u samayn, wuxuna yidhi isaga oo dhacdadaa ka hadlaya; “Arrintani waa mid ka dhacda ciyaaraha toddobaad kasta.” Gerrard wuxuu sheegay inuu isku deyay sidii uu kulankaa ciyaartiisa ugu soo bandhigi lahaa. Maamulaha Liverpool, Gerard Houllier ayaa isaga oo ka fiirsanaya difaaca Gerrard ku tilmaamay mid aan xaq ahayn khaladka Gerrard ku dhaqaaqay. Wuxuuna qiray inuukaadhka huruuda ah xaq u lahaa, balse aanu mutaysan khaadh cas iyo wax la mid ah. Wenger, tabobaraha Arsenal oo aan isagu ku qancin hadalkii ninka ay isku waddanka u dhasheen ayaa khaladkii dhacay ku macneeyay mid halis ah oo axmaqnimo leh. Patrick Vieira wx hadla ah kama bixin jawaabaha layska weydaarsaday dhacdadaa. Malawi Oo U Soo Baxday Ciyaarta Kama Dambaysta Ah Ee Cosafa Cup Blantyre (Reuters) – Kooxda Malawi ayaa ka faa’iidaysatay rigoore go’aankiisu muran dhaliyay oo ay kaga badisay Zambia oo ay wada ciyaareen Sabtidii, sidaana waxay ku gaadhay kaalinta kama-dambaysta ah. Essau Kanyenda ayaa lagu abaal-mariyay daqiiqaddii 66aad rigoore, kadib markii ay isku dhaceen difaaca Zambia ee aan qaan-gaadhin Sashi Chalwe, sidaana ay ku dhaliyeen goolka keliya ee kulankaa ka dhashay. Go’aanka uu qaatay garsooraha reer Lesotho ee Paul Phomane wuxuu u muuqday mid aan laga fiirsan, waxaanay diidmo badani kaga timi dalka Zambia. Chalwe iyo Kanyenda waxay sku shudhmeen xerada ganaaxa dhexdeeda. Hase yeeshee, markhaatigii telefishanku bixiyay ayaa muujiyay in weeraryahanka Malawi haligmay kahor intaanu laba hirdamin difaaca jooga dheer. Malawi waxay bisha soo socota kulanka kam-dambaysta la yeelanaysaa tii soo badisa South Africa iyo Zwaziland oo wada yeelanaya kulankii labaad ee simi-faynalka oo ka dhacaya Polokwane 24 August. Xulka Malawi oo u safray dalka England bishii hore oo uu ku soo yeeshay saddex kulan oo tijaabo ah, waxaa ka muuqatay isbeddel weyn oo uu hormood ka ahaa 20-jirka Kanyenda oo kala daadiyay difaaca Zambia oo u kulankaas oo dhan dhexmarayay. Kabtanka Malawi John Maduka ayaa helay laba fursadood oo uu xerada abaal-marinta ka helay, balse wuu lumiyay oo kumuu guulaysan inuu midna ku duwo goolka oo uu hortaagnaa. Zambia oo si xidhiidh ah khadkeeda dhexe u furnaa waxay fursad u heshay kubado yar oo weerar ah. Fursaddii ugu fiicnaydna waxay heshay daqiiqaddii ugu dambaysay, markii Chaswe Nsofwa lumiyay kubado madax ah. Ciyaartoyga baalka ka ciyaarha ee Roston Klambe ayaa ciyaarta laga saaray markii uu waqtiga lumiyay. Waana kulankiio labaad oo calami ah ee uu Klambe safto tan iyo intii uu kasoo baxay ganaax dheer oo FIFA dusha ka saartay markii lagu helay in daroogo isticmaalay. Guusha Malawi waa tii 12aad ee ay ka gaadho Zambia oo ay wada yeesheen 49 kulan oo caalami ah oo labada dal dhexmaray. Guul-daradani waxay soo gebogebaysay rajadii Zambia ka qabtay inay noqotop kooxdiiugu horaysay ee markii saddexaad ku guulaysata koobka sanadlaha ah ee horyaalnimada waddamada Koonfurta Afrika. |