Haatuf, Cadadki 137, Aug.14, 2002

Masaaridu, Ma Isku-Meel Bay

Ka Taagan Tahay Qaddiyadaha Koonfurta Sudan Iyo Somaliland

 

Dhawaan waxay jabhadda SPLA iyo Xukuumadda Madaxweyne Al Bashir ee dalka Sudan ka talisaa kala saxeexdeen, heshiis gun-dhigiisu yahay in 6-sannadood kadib afti laga qaado bulshada ku dhaqan Koonfurta Suudaan, si ay aayo-ka-tashigooda ugu coddeeyaan, haddii ay doonayaan in ay gooni-isu-taagaan oo ay ka go’aan Suudaan inteeda kale iyo haddii ay doonayaan in ay ka sii mid ahaadaanba.

Heshiiskani wuxuu soo jiitay indhaha Caalamka daneeya nabadgelyada, isla markaana wuxuu saamayn ku yeeshay bulshada reer Suudaan oo 19-sannadood ku soo jirtay dagaal aan kala go’ lahayn oo ay ku naf-waayeen malaayiin Muwaadiniin reer Suudaan ah, malaayiin kalena wuxuu geyaysiiyay baro-kac iyo xaalad qaxooti oo diihaal iyo xannuun badan.

Dadka reer Suudaan, waxay isugu jiraan dad Carab ah oo Muslimiin ah oo tiradooda lagu qiyaaso dhawr iyo toban milyan, degana Waqooyiga dalkaas, iyo dad aan carab ahayn (Non-Arabic) oo isugu jira masiixiyiin iyo cawaan diin laawayaal ah oo degan baddi Koonfurta Suudaan, kuwaas oo iyana marka laysku didiyo tiradooda lagu qiyaaso dhawr iyo toban milyan oo qof. Marka la eego dhinaca Siyaasadda, tan iyo intii dalkaasi gobanimadiisa ka qaatay Ingiriiska dabayaaqadii 50-aadkii, ilaa hadda waxaa hogaaminta talada dalka qabanayay dadka reer Waqooyiga (Carabta) ah, waxaana markastaba saamayn ballaadhan oo Siyaasadeed ku lahaa maamulka Carabta dawladda Masaarida, taasina waxay ka dhigtay dalweynaha Suudaan oo baaxadda dhulkiisu wayn tahay, mid markastaba siyaasad ahaan hadhsada dallaayadda Siyaasadeed ee Masaarida. Sidaa aawadeed, caado dhaqan-gashay ayay noqotay in Maamulkasta oo talada dalka Suudaan qabtaaba uu ka talo qaato xukuuumadda Masar, had iyo goorna aanu ku dhaqaaqin wax aanay raali ka ahayn. Siday ku andacoonayaan khubarada Siyaasadda Mandaqadda odorasaa, xidhiidhkaasi waa mid sida qaalibka ah ay Masar ku ilaashato danaheeda, gaar ahaan biyaha webiga niilka oo mara labadaa dalba oo ay badi Masaaridu keligeed ka faa’iidaysato. Dhinaca Suudaan marka la eegana, waxaa loo aaneeyaa in ay gacanta Masaaridu qayb weyn ka tahay dhibaatooyinka dalkaas ka aloosan badi intii uu xornimada haystayba.

Haddaba, iyadoo taasi meesha taallo, ayaa dhawaan heshiiskan oo loogu magac daray “Heshiiska Mashakus,” lagu gaadhay magaalada Mashakus ee dalka Kenya, waxaana markii u horeeyay shaashadaha TV-yada Col. John Grund laga daawaday Madaxweyne Al-Bashiir iyo Hogaamiyaha SPLA oo iyagoo faraxsan is-gacan qaadaya. Inkastoo hadda loo fadhiistay wareegii labaad ee wada-hadalka, haddana heshiishka lagu gaadhay qaybtii hore ee wada-hadalkaas oo gundhigiisu yahay, in afti laga qaado bulshada reer Koonfureedka ah ee dalka Suudaan, wuxuu dhaliyay dareeno cusub oo wejiyo badan leh. Suuro-gelinta wada-hadalka SPLA iyo Xukuumadda Khartuum iyo heshiisyada la gaadhayba, waxaa magac ahaan la sheegaa in ay sababeen dalalka ururka IGAD, hase yeeshee siday warar illo diblomaasiyadeed laga soo xigtay caddeeyeen, waxaa heshiiskaa sababay caddaadis xoog leh oo Caalami ah oo ay dawladda Maraykanka iyo xulafadeeda reer galbeedku saareen dawladda Suudaan.

Arrimaha ugu waawayn ee Maamulka Maraykanka ku kelifay inuu ihtimaam xoog leh siiyo arrintaasna, waxaa ugu weyn olole ballaadhan oo kooxaha loogu yeedho Xag-jirka Masiixiyiinta midigta fog ee Maraykanku ay saareen dawladda George W. Bush. Kooxahaas oo ka soo jeeda kaniisadaha, si xagjir-nimo ahna ugu ololeeya xuquuqda dadka diinta Kiristanka haysta, waxayna ku doodeen dadka Koonfurta Suudaan ee kiristanka u badani in ay dulman yihiin. Sidaa aawadeedna, waxay ku caddaadiyeen Maamulka Washington inuu il-gaar ah ku eego dadkaas, culayskana saaro sidii xal loogu heli lahaa qaddiyadooda. Sida la rumaysan yahay arrimahaasi, waxay horseedeen in Maraykanku miisaan ka culus intii hore u yeelo qadiyadda Koonfurta Suudaan, taas oo labaysay aragtidii hore ee dhinaca argagixisada ee uu ka qabay dalkaas. Waxaana sida muuqata la debciyay, aragtidii hore ee Ameerikaanka ee ku wajahnayd dhinaca argagixisada ee Xukuumadda Al-Bashiir, taas oo la aaminsan yahay in ay tahay ta soo jiiday ee soo xerro-gelisay dawladda Suudaan.

Si kastaba wax ha u jireene, heshiiskan uu Maraykanku dabada ka riixayaa, wuxuu aad uga cadhaysiiyay dawladda Masaarida oo durba bilowday olole ka dhan ah dhaqan-galka heshiiskaas. Inkastoo dawladda Masar ay sannadkastaba 2-bilyan oo doollar oo caawimo ah ka hesho Ameerikaanka, haddana waxay ku dooddaysaa in heshiiskani yahay mid lagu kala goynayo dalka Suudaan, isla markaana abuuraya dal kale oo ka qayb-gala wadaaga biyaha Niilka. Waxa kale oo sida muuqata ay aaminsan yihiin in haddii afti laga qaado reer Koonfureedka dalka Suudaan, halkaas ay ka soo baxayso dawlad Masiixi ah oo cadaawad u haysa Masar, sababtoo ah Masaaridu si weyn ayay uga qayb-qaataan dagaalka lagaga horjeedo Jabhadda SPLA. Midda kale ee iyana cadhada Masaarida cirka ku shareertay waxa weeye, iyadoo aan goob-joog ka ahayn shirka dhexdhexaadinta ee Nayroobi, Xukuumadda Suudaan ee talada haysaana aanay waxba ogeysiin arrinta, tallo-na aanay kala yeelanin. Taasina waxay noqonaysaa markii u horeysay ee Maamulka Suudaan dibadda uga boodo, Xayn-daabka habkii wada-tashiga ahaa ee ay Masar kula macaamili jirtay Suudaan. Sababtaas awgeed, waxay masaaridu isweydiinayaan, waxa dhalliyay in ay Suudaan ka dhacdo xerradda oo ay tallaabadaa qaado.

Dawladda Masaaridu, si ay u burburiso arrintaas, una baabi’iso heshiiskaas, waxay gacan-saar la yeelatay Xasan Al-Turaabi oo hogamiya urur lagu magacaabo People Congres. Xasan Al-Turaabi oo mar ahaa Afhayeenka Baarlamaanka Suudaan, ka hor intii aanay coloobin Madaxweyne Al-Bashiir, markaas oo xilka laga qaaday, wuxuu hadda ku jiraa xabsi guri, hase ahaatee ururkiisu wuxuu u muuqdaa mid dhaqdhaqaaq leh oo ka soo horjeeda heshiiskan cusub, taas awgeedna ay dawladda Masar xidhiidhka ula samaysay. Waayo, hadda ka hor Xukuumadda Masar iyo Xasan Al-Turaabi oo ah hogaamiye diineed, waxay ahaayeen col daahood go’ay oo aan isbixinayn, waxaanay Masaaridu ku eedayn jirtay inuu ka danbeeyay isku-daygii fashilmay ee lagu doonayay in lagu dilo Madaxweyne Xusni Mubaarak, kaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa 1995-kii. Arrintu si kastaba ha ahaatee, Al-Turaabi iyo Maamulka Masar waxay hadda u muuqdaan awoodo isu-kaashanaya, sidii ay u tirtiri lahaayeen heshiiskaas.

Dhinaca kale, si looga hortago ololaha Masar, waxaa Maalmahanba wada-hadalo u joogay Qaahira ergay sare oo ka socday dawladda Ingiriiska, kaas oo isku dayay inuu Masaarida ku qanciyo in ay hagardaamada ka dayso heshiiska la gaadhay, hase yeeshee siday wararka ilaa hadda ka soo ifbaxay dawladda Masar muujinayaan, waxay Masaaridu ku adkaysanaysaa in heshiiskani yahay mid duulimaad ku ah Masaaliixdooda istaraatijiyadeed oo aanay ogolaan karin.

Marka laysku soo xooriyo sheekada oo dhan, qodobka ugu wayn ee Masaaridu ku diidantay taqriiral Masiirka Koonfurta Suudaan, iyo sababta ay ku diidantay Madaxbannaanida Somaliland-ba, waa isku mid, waxaanu ku qotomaa danta Masar ee biyaha Webiga Niilka. Inkasta oo aanu Somaliland marin Webiga Niilku, haddana Masar waxa ka go’an in la helo midnimo Soomaaliyeed, si ay u jirto dawlad Soomaaliya oo halis ku haysa Itoobiya, si aanay Itoobiya jaanis ugu helin in ay isticmaasho biyaha Niilka qaybteeda oo ay mar walba ku mashquulsanaato colaad ay kula jirto dawlad xoog badan oo Soomaaliyeed. Sidaas oo kalena aanay ogolayn aayo-ka-tashiga koonfurta Suudaan, isla markaana ay doonayso Jiritaanka Suudaan aan deganayn oo dhibaataysan, si aanay marnaba fursad ugu helin in ay saami fiican ka isticmaasho biyaha Niilka. Sidaa aawadeed Masar, qaddiyadda Somaliland iyo ta Koonfurta Suudaan isku meel bay ka taagan tahay. Hase yeeshee, waxay isweydiintu tahay, ma teeda ayay noqon, mise ta ay shucuubta dalalkaasi doonayaan? Jawaabta su’aashaana, waxaynu u dhaafaynaa wakhtiga.

Shirweynaha Urur-Siyaasadeedka

KULMIYE Oo Doortay Madaxda Hogaaminaysa

“Waxaanu ku dedaalaynaa inuu KULMIYE noqdo xisbiga koowaad” Fagadhe

“Ninkii Naagtu raacdo ayuun baa guulaysta” Marwo Siraad Cali Yuusuf

 

Hargeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka KULMIYE oo shirweyne uga socdo hoolka shirarka ee Xarunta hayadda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa ayaa shalay doortay gudoomiye iyo laba gudoomiye-kuxigeen, isla markaana magacaabay musharaxa uga qayb gelaya tartanka doorashada kursiga sare ee madaxweynenimada. Sidoo kale waxa uu shirweynaha ururka KULMIYE ansixiyey tirada Xubnaha golaha dhexe ee uu ururku yeellan doono, taas oo la isku raacay inay tirada Xubnaha golaha dhexe noqdaan 133 oo ay 25 ka mid ahi noqon doonaan guddiga fulinta.

Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa loo doortay gudoomiyaha ururka Kulmiye, isla markaana Axmed-Siilaanyo, isaga ayaa loo caleemo saaray musharaxa ururka uga qayb gelaya tartanka jagada madaxweynenimada ee doorashooyinka la naawilayo mustaqbalka. Sidoo kale waxa gudoomiye-kuxigeenno loo kala doortay Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo Siraad Cali Yuusuf oo ah haweenay ka soo jeedda gobolka Awdal, halka uu Fagadhena ka soo jeeddo gobolka Sool. Hase yeeshee markii hore waxa jagada gudoomiyaha loo soo sharaxay saddex xubnood oo kala ahaa: Axmed-siilaanyo, Fagadhe iyo Axmed Xaashi (Oday), waxaase markii dambe tanaasulay Fagadhe iyo Oday, taas oo Axmed-siilaanyo ay ergooyinka shirkaasi si buuxda isugu raaceen inuu noqdo gudoomiyaha iyo musharaxa ururka. Sidoo kale Fagadhe iyo Siraad ayaa, iyaguna ku tartamay jagada gudoomiye-xigeenka koowaad, waxaase ku guulaystay Fagadhe, halka ay Siraad-na ku guulaysatay gudoomiye-xigeenka labaad ee ururka, iyadoo marwo Siraad ka mid ahayd laba haween ah oo isu taagay doonista jagada gudoomiye-xigeenka, laakiin Siraad dhinaca haweenka ayaa markii dambe looga tanaasulay, waxayna ergooyinka shirka fadhiyey marwo Siraad ku soo dhoweeyeen sacab iyo mashxarad, mana jirij ergay qudha oo dareen diidmo ah tusay doonista Siraad.

Markii hore waxa tirada Xubnaha golaha dhexe ee ururka laga dhigay 85 xubnood, sidoo kalena tirada guddiga fulinta waxa markii laga dhigay 21 xubnood, laakiin mar dambe ayaa hogaanka shirku ergooyinka ka codsaday in loo kordhiyo tirada Xubnaha golaha dhexe iyo tirada guddiga fulintaba, taas oo laga aqbalay, lagana dhigay 133 xubnood oo golaha dhexe ah iyo 25 guddiga fulinta ah.  “Xubnaha golaha dhexe markii aanu gobolada u qaybinay ayey noqdeen wax cidhiidhi ah” ayuu gudoomiyaha Kulmiye, Axmed-siilaanyo, isaga oo sheegay inuu isagu shakhsiyan door bidayey in Xubnaha golaha dhexe lagu doorto aqoontooda iyo xirfadooda, laakiin la isla gartay in gobolo wax loo qaybsado.

Intaa ka dib Xubnaha loo doortay hogaaminta ururka ayaa waxoogaa hadal ah madasha ka jeediyey, kuwaas oo ugu horayn u mahad naqay ergada dooratay. “Waxaanu ku dedaalaynaa sidii uu KULMIYE u noqon lahaa xisbiga koowaad ee dalka marka ay dhacaan doorashooyinka dawladaha hoose, kuwa baarlamaanka iyo kuwa Madaxweynaha”, sidaa waxa yidhi ninka uu ururka kulmiye u doortay gudoomiye-xigeenka koowaad, Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo la hadlayey ergada shirweynahooda. Sidoo kale haweenayda loo doortay gudoomiye-xigeenka labaad marwo: Siraad Cali Yuusuf ayaa, iyana halkaa hadal kooban ka tidhi, waxaana ereyadeeda ka mid ahaa “Ururka kulmiye waa ururka keliya ee meel iska dhigay xuquuqda haweenka”, waxayna Siraad intaa ku dartay “Rajo wacan baynu leenahay, guul weyna waynu gaadhi doonaa, ninkii naagtu raacdo ayuun baa guulaysanaya”, iyadoo marwo: Siraad ku riyaaqday inay taageero weyn ka heli doonto haweenka Somaliland.

Shirweynaha ururka KULMIYE oo furmay Axadii toddobadkan waxa uu ku talo galku ahaa inuu shalay xidhmo, laakiin xulista iyo saami qaybsiga tirada Xubnaha golaha dhexe ee ururka oo aan weli qabyo tirmin ayaa dib looga riixay mudada shirka, sidaa darteed maanta ayaa lagu wadaa in la soo gebagebeeyo geedi-socodka shirkaa, iyadoo isla maanta ay ergooyinka shirku dooran doonaan Xubnaha golaha dhexe.

Maamulka Berbera: Qorshaha Sumaynta Waraabaha Iyo Doodda Ka Abuurantay

Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha Iyo Deegaanka iyo Hay’adaha U Doodda Xuquuqda Xayawaanku Sidee Bay U Arkaan Sumaynta Waraabaha

 

Hargeysa (Haatuf): Badhasaabka gobolka Saaxil, isla markaana ah maayarka Berbera, Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-gadhweyne) ayaa war-saxaafadeed uu toddobaadkii hore soo saaray ku sheegay qorshe uu maamulka Berbera kula dagaalamayo waraabaha, qorshahaas oo uu ku tilmaamay in loo adeegsanaya sun lagu laayo, isaga oo badhasaabka Saaxil sababta ay waraabaha ula dagaalamayaan ku tilmaamay, isaga oo buu yidhi waraabuhu uu xiliga xagaaga ee lagu jiro uu bahaloobi doono, taasina ay keeni doonto inuu weeraro xoolaha nool ee ku dhaqan degaamada gobolka Saaxil. Hase yeeshee dhinaca kalena agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha Dawladda Somaliland, Maxamuud Cali giir oo uu wargeyska Haatuf wax ka waydiiyey sida ay wasaaradiisu u aragto talaabada uu maamulka gobolka Saaxil sheegay inuu kula dagaalamayo waraabaha ayaa dareen taxader leh ka muujiyey sida hawsha noocaas ah loo fulinayo, isaga oo tilmaamay inay u baahan tahay aqoon iyo xirfad gaar ah oo lagu maamulo arintaas oo kale. “Xiliyadii ka horeeyey dagaaladii sannadkii 1988-kii sunta disha dugaagga, sida waraabaha oo kale waxa hayn jirtey wasaaradda xanaanada xoolaha oo qudha, taas oo ay shaqadaas oo kale ay qaban jireen dhakhaatiir iyo shaqaale aqoon u leh, si looga bad-baado waxyeelada ka iman karta suntaa” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xooluhu, wuxuuna intaa ku daray “ Marka hawsha noocaas oo kale ah ee sumaynta waraabaha waa in laga horaysiiyo hawl lagu tijaabinayo xaddi sunta la isticmaalayo ah iyo awoodeeda cabirka (lethal dose)”.

Agaasimaha guud waxa uu sheegay inuu rumaysan yahay inay hawsha noocaas oo kale ahi u baahan tahay inay wada jir isaga kaashadaan dhakhaatiirta xanaanada xoolaha, hawl-wadeenada wasaaradda degaanka iyo masuuliyiinta gobolka laga fulinyo hawsha, taas oo buu yidhi loo baahan yahay inay hawshaasi u fusho sida ugu waxtarka badan, uguna waxyeelada yar dhinaca degaanka iyo xoolaha iyo weliba xayawaanada duur-joogta ah.

Agaasimaha guud, Maxamuud Cali Giir waxa uu sheegay in xiligii ugu dambeeyey ee la isticmaalo sunta waraabaha disha inay ahayd wixii ka horeeyey sannadkii 1988-kii, taas oo buu yidhi ay sunta xiligaa la isticmaali jirey ahayd nooca loo yaqaan Strichine Sulphate, isla markaana suntaa la isticmaali karo oo keliya marka ay dhacdo inay waraabaha iyo dugaagga kale ee la midka ahi halis geliyaan dadka iyo xoolahooda, laakiin buu yidhi marka ay taasi jirto lafteeda loo baahan yahay inay hawshaa fuliyaan dad aqoon u lihi, hadii kale ay keeni karto waxyeelo hor leh.

Agaasimaha waaxda dhirta iyo ugaadha ee wasaaradda horumarinta Reer-miyiga iyo degaanka, Axmed Jaamac Sugule oo aanu isna dhiciisa wax ka waydiinay sida ay wasaaradiisu u aragto arintaa ayaa sheegay in nooc kasta oo kiimiko ah oo lagu isticmaalo degaanka ay u leedahay waxyeelo, iyadoo buu yidhi loo baahan yahay inaan noocyo sunta ka mid ah dalka la keenin, taas oo uu sababtana ku tilmaamay halista ay u leedahay degaanka.

Dhinaca kalena hayadaha dunida ee u dooda xuquuqda xayawaanada ayaa, iyaguna dareen diidmo ah ka muujiyey isticmaalka sunta loo isticmaalo noolaha, waxayna hayadahaasi dhowaan cabasho weyn ka muujiyeen sun ay xoola-dhaqatada Somalida Itoobiya ku isticmaaleen bahalka loo yaqaan Yeyda (Wolf), taas oo ay hayadaha u dooda xuquuqda xayawaanku ku andacoodeen in lagu xad-gudbay xuquuqda yeydaa.

Hayadaha u dooda xuquuqda xayawaanku waxay had iyo goor dhiiri geliyaan in dadka la baro farsamooyin iyo xirfado ay iskaga ilaaliyaan ama iskaga difaacaan waxyeelada dugaaggu u gaysan karo dadka iyo xoolahoodaba, sidaa darteed hayadaasi marna ma dhiiri geliyaan sumaynta, xasuuqa iyo dilalka loo geysto xayawaanada nooca ay doonaan ha ahaadeene, sidoo kale barnaamijyada daryeelka degaanka ayaa, iyaguna dhiiri gelin isticmaalka balaadhan ee sunta kiimikada ah, taas oo ay had iyo goor ka digaan waxyeelada ay suntu sida tooska ah iyo sida dad-banba ugu leedahay noolaha iyo degaanka.

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Higsiga Doorashada

Iyo Hawlaha Kala Quban

 

“Anagu koleyba waanu iska diyaar garoobaynaa si aanay canaani noogu iman, laakiin runtii waxa noo muuqata inaanay wixii loo baahnaa diyaar ahayn”, sidaa waxa ku tiraabay mid ka mid ah siyaasiyiinta hogaamisa ururada siyaasadda Somaliland ee u kuur-kuursanaya inay ka qayb galaan doorashada la naawilayo inay Somaliland ka dhacdo mustaqbalka dhow.

Dhawr iyo toddobaatan maal-mood oo keliya ayaa ka hadhay maalinta ay guddiga doorashooyinku u cayimeen qabashada doorashada golayaasha dawladaha hoose oo ay ku tilmaameen doorashada koowaad, taas oo ay ka dambayn doonaan doorashada madaxtooyada iyo golayaasha baarlamaanku. Hase yeeshee dadka xaaladaha maamul iyo wararka dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Somaliland u dhuun-daloolaa waxay walaac ka muujiyaan sida ay wax u qabsoomi karayaan, taas oo ay aragtidooda dayrada ah u sibir-saarayaan dhawr sababood.

Marka hore waxay leeyihiin waqtigu waa yar yahay oo goor dambe ayey wax waliba bilaabmeen, taas oo ay leeyihiin xataa xisbiyada lama siin fursad ku filan ee goor uu waqtigii kaabiga yimi ayaa markii hore lagu dhawaaqay furista axsaabta. Ta labaad waxay leeyihiin isma laha waqtiga yar ee hadhay, duruufaha ina hor yaal iyo dhaqdhaqaaqa caatada ah ee meesha taal, taas oo macneheedu yahay guddiga doorashada iyo dawladda midna uma xusul-duubna sidii ay waqtiga gaaban ee hadhay uga gaadhsiin lahaayeen qabyada badan ee hor taal qabashada doorashada.  “Inaanay waxba diyaar ahayn waxa tusaale fiican kuu ah guddiga doorashada oo aan ilaa hadda xafiis ku lahayn meel Hargeysa ka baxsan” sidaa waxa yidhi qof farta ku fiiqaya qabyada ka muuqata mashruuca diyaarinta madasha tartanka doorashada madaxtinimada, wuxuuna qofkaasi intaa ku sii daray “Weliba isma laha warbixintii qiimaynta ahayd ee guddiga doorashadu ka soo ururiyeen gobolada iyo degmooyinka iyo go’aankooda ku dhawaaqidda xiliga qabashada doorashada dawladaha hoose”, taas oo lagu tilmaami karo ama odhan karno guddigu markii ay gaadhayeen go’aanka mudaynta doorashada dawladaha hoose waxay iska indho tireen war-bixintoodii hore, taas oo ay warbixintooda hore ku xuseen ama kaga warameen duruufo badan, sida meelo aanu maamulku ka tamarin iyo degaamo ay yidhaahdeen waxay nagu yidhaahdeen doorashada hadda diyaar uma nihin. Sidoo kale arimaha walaaca keenaya waxa ka mid ah qabyada maamul ee ka muuqata degaamo badan oo ka mid ah dhulka Somaliland, mana muuqdaan hawl-galo xaami ah oo lagu gufaynayo qabyooyinka maamul ee muuqda.

Dhawr maal-mood ka hor ayey guddiga doorashooyinku dadka Reer-Somalilland ee debedaha ku dhaqan waydiisanayeen yabooh dhaqaale oo ay dadka ku wacyi geliyaan ama ay ku marti geliyaan goob joogayaal caalami ah oo marka ay doorashadu dhacayso dalka yimaadda, laakiin arinta iswaydiinta lihi waxay tahay hadiiba ay dadka debeduhu intii karaankood ah u dhego-nuglaadaan yaboohda guddiga doorashooyinka qaadhaanka yar ee ay soo ururiyaan ma kaafiyayaa baahida dhumucda leh ee ay dhaqaale ahaan u baahan tahay hawsha doorashadu, isla markaana waxay su’aashu tahay muddo intee le’eg bay qaadan kartaa in guntiyadooda laga soo fur-furo shillimada ururiska ah ee qaadhaanka u qabtay dadka ku kala filiqsan afarta bayni jaho ee dacalada adduunka, laakiin guddiga doorashadu baaqii ay u direen dadka debedaha waxay sababta yaboohdooda ku sheegeen inaan la isku hallayn karin caawimo debedeed oo aan hadda gacanta ku jirin, taas oo u muuqata dayro laga muujiyey hadii ay awel jirtey inay beesha caalamku soo qadinto dhaqaale lagu maamulo hawsha doorashada.

Dhinaca xukuumaddana ilaa hadda lama oga inay hayso wax dhaqaale ah oo ay ugu talo gashay hawsha doorashada iyo xataa hadii uu jiro inuu yahay wax kefayn kara iyo inkale, laakiin marka laga yimaado qabyada maamul iyo duruufaha siyaasadeed gacmaha sare waxa, iyana duruuf shilis ah bisayl la’aanta dadweynaha ee hanaanka axsaabta badan iyo tartanka doorashada. 

“Inta badan dadkeenu waxa uu u badan yahay dad Reer-baadiye ah oo aan ka war hayn waxa dalka ka socda, isla markaana guud ahaan bulshadeenu waxna ma akhrido, waxna ma qorto, sidaa darteed waxay u baahan yihiin waqti ku filan oo lagaga dhaadhiciyo ama lagu baro waxa ay dooranayaan iyo qaabka ay wax u dooranayaan”, sidaa waxa yidhi qof farta ku fiiqaya qabyada ka muuqata wacyi-gelinta dadweynaha ee nidaamkan cusub.  Waxa kale oo ka mid ah waxyaalaha ay farta ku fiiqaan dadka arimaha doorashada ka faalloodaa, iyadoo ay dadka Reer-Somaliland muddo dheer ka hor ugu dambaysay doorashada iyo hanaanka xisbiyada badan, taas-na hadii aan la dhisin wacyiga dadka ay keeni karto murug badan oo ku yimaada hawsha doorashada. “Markii dalka doorasho ugu dambaysay intiinan I hor joogta waxa laga yaabaa inaanu qof qudhi ka dhallan”, sidaa waxa yidhi nin ka tirsan siyaasiyiinta Somaliland oo farta ku fiiqaya sida ay dadka Reer-Somaliland uga baadiyoobeen dabeecadda doorashooyinka iyo hanaanka xisbiyada badan, laakiin dareen taban lagama wada muujinayo arinta ee dad badan oo ay xataa ka mid yihiin madaxda axsaabta ayaa ku adkaysanaya waa inay duruuf kasta oo jirta doorashadu dhacda, iyaga oo ku doodaya arintu keliya waxay u baahan tahay ku-dhac.

Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeen, laakiin marka la isu eego mudada sannad badhkii ka yar ee guud waqtiga dawladda talada haysa ka hadhay waxay xaqiiqdu muuqataa tahay in xataa hadii talaabo la qaado aanay arintu ka fursanayn qabyo.

Hase yeeshee marka lagu soo dhowaado waxa jira warar aan xaqiiqdooda weli la hayn oo tibaaxaya inay xukuumaddu ugu yaraan ku talo jirto inay qabsoomaan doorashooyinka dawladaha hoose, ka dibna ay wixii laga gaadhsiin waayo qiil u baadh-baadho, laakiin marka waxaas oo dhan laga yimaado waxay sheekooyinka arimaha doorashada la xidhiidhaa u baahan yihiin in aan la isku maaweelin hadal afka baarkiisa ah ee mar walba xaqiiqda la waajaho, taas oo macneheedu yahay in dhinacyada ay marka hore ibo-bixinta sheekadu ku xidhan tahay oo ah guddiga doorashada iyo dawladdu ay goor hore soo qadimaan wixii dhiman si goor hore talo looga gaadho, isla markaana goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen aanay sheekadu noqon halkan ayey ka baxday iyo halkan ayey ka baxday, iyadoo uu nuxurku yahay waa in goor hore la hubiyo inay yeelkii hawsha lagu qabanayey iyo kaalintii tartankuba diyaar yihiin si aan hadhow hungo loogu dhicin.

Wer-Werka Muxaafidka
 Iyo Rajada Mucaaridka

Cumar Daahir Cumar

Haddii aad su’aalo isku midda weydiiso, dhammaan inta ku hawlan loolan lagu kasban karo heerarka kala duwan ee masuuliyadda ummadda, waxaa inta badan kuu soo baxay jawaab ah, “Waxaan u heellanahay sidii ay danta ummaddu ku haggaagi lahayd.” Laakiin in arrintu sidaa aanay ahayn, waxaad ogaanaysaa tallaabada ku xigta oo ah; “Haddii aad dhammaanteen wadaan danta ummadda, haddaa miyaad gacmaha is-qabsataan oo dhinac qudha u wada-jeesataan. Danta guud waxaa ku filan , adna dhinacaa, anna dhinacaa.”

Markan inta badan dhegaha ragga Siyaasadda ku lugta lehi, ma jeclaystaan erayadan, sababta oo ah uma diyaar aha in daaha laga rogo danaha qarsoon ee inta badan carqaladda ku ah in la fududeeyo isu kaashiga danta guud ee ummadeed. Is-khilaafka ereyada su’aalaha la weydiiyo masuuliyiinta Somaliland, xilliga ay hayaan masuuliyadaha sida Wasiir, Agaasime guud, Maayar, Madax hay’ado madaxbannaan, Maareeye iyo wixii la midda, waxay ku jawaabaan in aanay masuuliyadda hawl iyo dhib mooyee aanay dheef ku qabin. Runtii way jiraan tiro yar oo sidaa ku sifowdaa, laakiin jawaabtaa waxaa khilaafaya, sida aanay masuuliyiintaasi u soo dhoweyn wararka sheegaya in xilka laga wareejinayo ama guul darada ay tirsadaan, marka si rasmiya xil-wareejintu ay u soo food-saarto.

Arrintan sharaxaadeedu, waxay noqon kartaa mid inoo iftiimisa ujeedada erayga muxaafid, gaar ahaan sida loogu isticmaalay Somaliland dhawr iyo tobankii sanno ee tegay.

Muddo badan ayay ahaayeen Wasiiro ku jira bu’da talada Somaliland, wax badan ayay u suurto-gashay in la qaato oo wax lagu go’aamiyo talo ay iyagu soo agaasimeen. In badan ayay ku hubsadeen masuuliyad qaran oo u baahnayd in cadaaladdu siiso muwaadinka aqoon iyo karti ku hanan kara, laakiin ay muxaafidka u meel martay in ay ku fadhiisiyaan qof ay ku soo xulleen; hayb-wadaag, kooxaysi iyo hayo-fududaan dhinacooda ah.

Dhammaan arrimahaasi, waxay qayb ka yihiin dhaqan ka jiray Somaliland sannadihii tegay ee inta badan Muwaadiniin reer Somaliland ah shaki ka geliyay, sida ay suurta-gal u tahay in Somaliland yeelato riyadoodii ahayd; dal ku nool cadaalad, sinnaan, horumar iyo wadaagga kheyradka dalka.

Shaki kuma jiro in muxaafidkii sannadihii tegay ee Somaliland aanay ku farxin furfurnaanta uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, albaabada kulanka ugu furay masuuliyiinta mucaaridka iyo madax-dhaqameedyada bulshada, arrintai waxay kor u qaaday rajada mucaaridka Somaliland, waxaanay werwer ku abuurtay muxaafidkii hore ee Xukuumadda, Inkasta oo ay weli haystan inta badan kuraasidoodii masuuliyadda qaran.

Arrintu siday doonta ha ahaatee, go’aanada bilah soo socda ee hogaanka sare ee Somaliland uu gaadho, ayaa xaqiijin doona dhinaca uu u dhaco miisaanka guusha Siyaasadda ee Somaliland. Laakiin ha qawadin, haddii doorkan ay guushu ku dhinac marto.

Isu-Soo-Dhaweynta Lama

Diidin, Laakiin Dariiqeeda Mara

Faallo – Maxamed/Amiin

 

Sida la ogyahay marar badan ayey weftiyo ka socda Somalida koonfureed socdaalo ku yimaadeen Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, waxaase ugu dambeeyey weftigii Hargeysa ka baqoolay isniintii doraad ee uu hogaaminayey Xuseen Xaaji Bood. Weftigaasi waxay ujeedada socdaalkooda ku micneeyeen isu soo dhowayn labada dad ah, waxayna muddo ilaa shan maal-mood ah oo ay joogeen ay kulamo la yeesheen madaxda sare ee golayaasha dawladda Somaliland oo ay ka mid yihiin shirgudoonka Guurtida iyo Madaxweynuhu, laakiin goor dambe oo ah markii ay weftiga Reer-Muqdisho dalka ka dhoofeen ayey madaxda Somaliland ka hadleen ujeedada socdaalka weftigaa iyo waxa ay ku saabsanaayeen wada hadaladii lala yeeshay, taas oo ay madaxda Somaliland yidhaahdeen waxay weftiga Reer-Muqdisho nagu yidhaahdeen na heshiisiiya hadii aanu nahay Somalida Koonfurta, waxaanuna ugu jawaabnay fursad idiin-ma hayno. Hase yeeshee marka waxaas oo dhan laga yimaado baytal-qasiidka wufuudda Reer-Muqdisho waxa weeye baadi-goob ku saabsan dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, iyaga oo mar walba Somaliland u arka gobol ka mid ah Soomaaliya, laakiin aan aqoonsanayn inay tahay dawlad gaar u taagan.

Marka la eego hadalada ka soo yeedhay hogaamiyihii weftigii Muqdisho waxa ka mid ahaa waxaanu isu soo dhowaynaynaa labada umadood, taasi ma xuma, laakiin waxay iswaydiintu tahay waa qaankee qaabka la isugu soo dhowaynayaa ama dariiqee baa loo marayaa isu soo dhowaynta labada dad, taas oo macneheedu yahay ma wax la isla ogol yahay baa laga wada hadlayaa, mise waxa ay cidi gaar u wadato ayaa laga wada hadlayaa. Ta kale isu soo dhowayn marka laga hadlayno waa inay waxa la baadi doonayaa noqdaan wax caafimaad qab keeni karaya, laakiin waa inaanay noqon wax cudur hor leh sii abuuraya.

Dadka Reer-Somaliland marna ma diidan walaal-nimo iyo derisnimo wanaag in lagu wada noolaado, balse waa inay taasi noqoto wax ku salaysan xidhiidh dhex-mara labada wadan oo walaalo ah ama deris ah, taas oo labada dad ee wada hadlayaana ay yihiin laba dad oo aan mid-na midka kale ku xad-gudbayn xuquuqdiisa siyaasadeed iyo umadnimo, isla markaana waa inuu mid waliba midka kale u aqoonsan yahay waxa uu yahay. Hase yeeshee waa xusuus mudan inay ragga Reer-Muqdisho marka ay dib ugu laabtaan degaamadooda ay daboolka ka qaadaan sida ay uga soo horjeedaan jiritaanka iyo dawlad-nimada Somaliland, laakiin dhaliisha meesha taal waxay tahay inay ragga sidaa ku hadaaqayaa ay haddana ku soo noqnoqdaan Somaliland oo ay hor fadhiistaan madaxda Somaliland, iyaga oo aan waxba ka bedelin mawqifkoodii hore, taasna waxa loo baahan yahay inay dawladda Somaliland mawqif adag iyo jawaab adag siiso nimankaa, iyadoo aan la diidanayn wixii ay masaaliixda Somaliland ku jirto in cid walba lagala hadlo.

Kooxaha Somalida koonfureed ma aha inay si hawl yar isaga indho tiraan waxa ay Somaliland hadda tahay iyo waxa ay ka tirsanayso midnimadii Soomaaliyeed, taas oo aan hadda si sahlan loogu garbin karin inay mar kale ku dhacdo booraan, isla markaana hadalo beer-laxowsi ahi kuma fila boogaha qoloftu saaran tahay ee ay dadka Reer-Somaliland kala kulmeen midnimadii lixdankii.

Sidaa darteed dadka Somalida koonfureed waa inay xaqiiqdu ku duxdo oo ay iska ilaawaan sheekda aan waqtigan xaadirka ah sida hawsha yar u shaqaynayn, waana inaan laga boodin inaanay dadka Reer-Somaliland si hawl yar ugu bohol-yoobayn midnimada ay hogaamiyayaasha Somalida koonfureed afka kaga yaboohayaan. Hase yeeshee hogaamiyayaasha Somalida koonfureed hadii ay ka dhab tahay isu soo dhowaynta ay maal-mahan dambe ku hadaaqayaan waa inay soo maraan dariiqa ay leedahay oo ah inay ixtiraamaan, isla markaana ay si rasmi ah u qiraan jiritaanka iyo dawlad-nimada jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Somalida Itoobiya Oo Ururka ONLF Ku Tilmaamay Argagixiso

 

Jigjiga (BBC) – Madaxweynaha is-maamulka Somalida ee Itoobiya Cabdi-rashiid Duullane Rafle ayaa sheegay in jabhadda ONLF ee ka dhaq-dhaqaaqa gobolkaasi aanay ahayn urur mucaarad ah, bale uu u arko koox argagixiso ah.

Cabdi-rashiid Duullane Rafle oo shalay lagu waraystay laanta Af-ka Soomaaliga ee BBC-da waxa uu ka jawaabay waraysi hore BBC-du ula yeelatay Guddoomiyaha ONLF. Kaas oo uu ku eedeeyay madaxda is-maamulka, oo uu sheegay in aanay u madax-bannaanayn talada gobolka, cid kalena ay u daba fadhiyaan.

Cabdi-rashiid, wuu beeniyay eedayntaas, isla markaana waxa uu ku tilmaamay ururkaas niman dibad-joog ah oo ku qadhaabta magaca dadka gobolka. Waxaana uu sheegay dastuurka dawladda Federaaliga ah ee Itoobiya in ay aas-aas u tahay dimuqraadiyad.

Sidaas darteed-na la oggol yahay in ururo mucaarid ahi ay dalka gudihiisa ka dhisaan si nabadgelyo ahna u halgamaan, uguna tartamaan taageerada shacabka si xor ah.

“Laakiin, kooxdii noocaas ka baxsani waxay noqonaysaa argagixisada maanta adduunka oo dhami la dagaalamayo,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdi-rashiid Duullane.

“Mucaarad baan ahay oo wax baan u tarayaa ma dhihi kartid markaad ambalaaskii gubeysid, markaad riiggii gubaysid, markaad baabuurkii shidaalka u siday beeraha Godey iyo Qallaafe aad gubaysid iyaga oo shidaalkii sida… mucaarad laguma tilmaami karo,” ayuu raaciyay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ONLF Mr. Maxamuud Cumar waxa uu waraysigaa hore ku sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin wadahadal lagu soo af-jaro khilaafka siyaasadeed ee gobolka ka abuuray xasillooni-darada. Isaga oo taas ka jawaabayana madaxweynaha is-maamulka Soomaalida Itoobiya Mr. C/rashid waxa uu sheegay in aanay u muuqan sabab wada-hadal loola galo koox uu ku tilmaamay budhcad hubaysan oo duurka ku jirta in ay ugaadhsadaan kaalmada aadaminimo iyo dadka rayidka ah.” Isaga oo sheegay in dawladda federaaliga ah iyo ta gobolkuba ay soo dhoweynayaan inuu dhismo ururo mucaarid ah oo si nabadgelyo ah dalka gudihiisa uga dhaq-dhaqaaqa.

Ururka ONLF waxa uu sheegtay mas’uuliyadda qaraxyo iyo weeraro marar kala duwan ka dhacay dhulka Somalida Itoobiya.

Caafimaadka Boqor Fahad Oo Laga Dayriyey

 

Dubai (Rueters): Caafimaadka boqorka dalka Sucuudi-arabia, boqor Fahad ayaa la sheegay inuu meel xun marayo, ka dib markii uu jidhkiisu ka soo kaban-waayey qaliin lagaga sameeyey indhaha cusbitaal ku yaal magaalada Geneva ee dalka Swizerland, cusbitaalkaas oo uu ku sugnaa tan iyo bishii May ee sannadkan, isaga oo mudada intaa le’eg dalkiisa ka maqnaa.

Wakaalada wararka ee Rueters ayaa diblomaasiyiin shisheeye ah iyo xubno ka tirsan kooxda mucaaradka ah ee ku kacsan dawladda boqortooyada Sucuudi-arabia ee lagu magacaabo MIRA (Movement for Islamic reforming Arabia), laakiin saraakiil ka tirsan dawladda Sucuudi-arabia ayaa, iyagu in xaaladda caafimaad ee boqorku ay aad u wanaagsan tahay. Hase yeeshee diblomaasiyiin jooga dalalka gacanka iyo ilo ku dhow-dhow taliska boqortooyada Sucuudiga ee wararkeeda iyo sirteeda aad loo xafido ayaa laga soo xigtay inay xaaladda caafimaad ee boqor Fahad ay ahayd arinta ay qoyska Reer-boqor ee Sucuudigu ka wada hadleen kulankoodii u dambeeyey.

Ururka dawladda boqortoyada Sucuudiga ku kacsan ee MIRA oo saldhigiisu yahay magaalada London ayaa isgaadhsiinta Internet-ka ku sheegay inay xaaladda caafimaad daro oo ba’ani la soo deristay boqor Fahad, iyadoo bay yidhaahdeen ay xaaladda garasho ee maskaxda boqor Fahad ay gaadhay heer uu kala garran-waayo caruurta uu dhalay.

Boqor Fahad oo ay da’diisu tahay 79 jir waxa madax ka yahay dalka boqortooyada Saudi- Arabia waxa xunuunkiisa ka dib masuuliyadii dalka sii wada boqor Cabdalla oo ay walaalo yihiin boqor Fahad.

Sannadkii 1982-kii boqor Fahad waxa uu dalka Sucuudiga ka hirgeliyey sharci, isaga awood u siinaya inuu magacaabi karo ama hadii uu doono uu ka qaadi karo qofka leh dhaxalka xukunka boqortooyada Sucuudi-arabia, laakiin boqor Cabdalla oo ah ninka masuuliyadda sare ee boqortooyada haya waxa uu rajaynayaa inuu in , isaga loo caleemo saaro boqornimada sare ee xukunka dalka Sucuudiga, hadii uu boqor Fahad sidaa ku xijaabto, iyadoo uu boqor Fahad oo hadda ku sugan dalka Swizerland la filayo inuu dhowaan tego guri nasasho ah oo uu ku leeyahay magaalada Geneva ee dalka Swizerland.

“Madaxweyne, Dawladdu Ha

Fulliso Wixii Dhinaceeda Ku Xidhan Ee

Suuro-Gelinaya In Doorashadu Dhacdo”

Somaliland Forum – Dhambaal Furan Oo Uu Diray Madaxweyne Rayaale

 

Hargeysa – (Somaliland Forum) – Ururka Somaliland Forum ayaa dhambaal qoraal ah oo uu u soo diray madaxweynaha ku caddeeyay inay ka qaybqaadanayaan hirgelinta doorashada, isla markaana ku baaqay in lagaga dhabeeyo in doorashooyinku dhacaan.

Dhambalkaasina wuxuu u qornaa sidan:

“Mudane Madaxweyne, Waxaa farxad u ah Ururka Somaliland Forum warqaddan oo ah xidhiidhkii ugu horeeyay ee uu kula soo sameeyo tan iyo intii aad xilka M/Weynenimo ee Somaliland la wareegtay; ka dib geeridii Madaxweynaheeni hore ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,

Ilahay naxariisti jano ha ka waraabiyee.  Waxaan kuugu hambalyeynaynaa xilkaa culus ee laguu doortay, Ilaahayna waxaan kaaga baryeynaa inuu kuu fududeeyo.

Mudane M/Weyne, marka hore waxa aanu rabnaa inan kula wadaagno sida fiican ee aanu usoo dhaweynay dhaq-dhaqaaqyadii iyo hawlgaladdii kala duwanaa ee ay Dawladdaadu dhowaan ku samaysay, kuna saabsanaa gaar ahaan dhinaca Caddaalada iyo Musuqmaasuqa.  Mudane Madaxweyne, waxa aanu aaminsanahay, kulana qabnaa, in caddaalad daradda iyo musuqmaasuqu yihiin labada cudur ee ugu waaweyn ee maanta qaaradda Afrika horumar iyo horusocod'ba u diiday.

Sidoo kale, waxa aanu aaminsanahay in ay ka soo horjeedaan himilooyinkii iyo ujeedooyinkii dadkeena ee dhaliyay Somaliland. Sidaa aawadeed,  waxa aanu rajaynaynaa in ka hortaga musuqmaasuqa iyo cadaalad daraduba hawshoodu halkaa ka sii socoto; midho khayr qabana Insha'Allah dasho.

Mudane Madaxweyne, anagoo og cadawyadda faraha badan ee ay Somaliland leedahay, ayaa waxaanu ku diirsanay sidii qadarinta mudnayd ee aad danjiraha Talyaaniga ee dhowaan xafiiskaaga kugu soo booqday ugu qeexday mawqifka Somaliland ee ku wajahan shirka dib-u-heshiisinta Somalia, iyo mawqifka gooni-isutaaga ee Somaliland.

Waxa jirta, Mudane Madaxweyne, in dhowaan dalkeena iyo dadkeena ay ku soo fool leeyihiin kuna soo socdaan doorashooyin is-daba joog ah oo kala duwan. Waxa xusid mudan oo farxad iyo yididiilo na gelisay go'aankii tixraaciisu ahaa KDQ/212/2002 ee 24/07/2002 ee Koomishinka Doorashooyiku ku cayimayeen wakhtiga doorashadda koowaad ee deegaanada dalka Somaliland.   Urur ahaan, Somaliland Forum, waxa aanu halkan ku cadaynaynaa, sidii aanu uga qayb qaadanay uguna guulaysanay inanu goobjoogayaal caalami ah u keeno aftidii dastuurkeena ee dhacday 31 MAY 2001 , in aanu mar kale diyaar u nahay sidii aan gacan buuxda uga geysan lahayn doorashooyinkan inagu soo socda.

Anagoo ka dheregsan in ururka ama koomishinka doorashooyinku uu u xilsaaran yahay arrimaha doorashooyinka la xidhiidha, ayaa haddana, Mudane Madaxweyne, waxaanu garanay in aanu dawladda usoo jeedino, sida aanu xisbiyadda kala duwan iyo golayaashaba ugu soo jeedin doono, in ay muhiim tahay in dawladdu fuliso, dhamaysana wixii dhinaceeda ku xidhan ee suurto gelin kara sidii doorashooyin xalaal ihi u dhici lahaayeen.

Markii aynu Aftidda u qaadnay Dastuurkeena, aduunweynahu indho gooniya ayuu inagu soo eegay. Waxaa taa sii dheerayd oo fajac iyo yaab haddana aduunweynaha ku noqotay, sidii Distooriga iyo Dimoqraadiga ahayd ee xilka Madaxweynenimo, Mudane Madaxweyne, laguugu dhaariyay ka dib markuu geeriyooday Madaxweynaheeni hore: Marxuum Maxamed X Ibrahim Cigaal.

Haddaba, si aynu mar kale indhaha aduunweynaha usoo jeedsano oo lama filaan kale usoo hordhigno, waa in aynu, kuligeen, u wada hawl galnaa sidii doorashooyin xalaal ihi uga dhici lahaayeen dalkeena.

Urur ahaan waxaan ku balan qaadaynaa inaanu taageerno qof kasta oo si daacad ah ugu tafa xayta horumarinta dalka Somaliland.”

WA BILAAHI TAWFIIQ

12-Qof Oo Maraykanku

U Hayo Kiisas La Xidhiidha Al Qaacida

 

Kaabul- Afgaanistaan (Rueters): Ciidamada Maraykanka ee jooga dalka Afgaanistaan ayaa rumaan ahaan u Xidhay laba iyo Toban qof(12) oo ay ka qab-qabteen, Koonfur-bari gobolka Khost ee ka tirsan Afgaanistaan. Wakaalada Wararka ee Rueters ayaa ka soo xigatay sarkaal jooga gobolka laga qabtay (12) kaa nin oo u waramay Rueters maalintii Isniintii ee todobaadkan ayaa sheegay in loo Xidhay ragaa tuhun ah inay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-qaacida ee Osama Bin-Laden.

Nin magaciisa la yidhaa Hayatullaha oo ah sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Khost ee dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in dadka caadiga ah ee gobolkaasi ay dareemeen qabaqabashada dadka shicibka ah iyadoo Ciidamada Maraykanku, ku hawlan yihiin raacdaynta iyo qabqabashada xubnaha ka tirsan ururka Al-qaacida iyo dadkii ka midka ahaa maamulkii Daalibaan ee maamuli jiray Afgaanistaan. Hayatullah wuxuu sheegay in ay Ciidamada Maraykanku xidheen laba qof oo ay ka qabteen, buuralayda Khost maalintii axadii iyagoo Ciidamada Maraykanku k guda jiray hawlahooda ay ku ugaadhsanayaan taageerayaashii iyo xubnaha Al-qaacida,. Waxaanu intaa ku daray in labadaas nin siteen hub, laakiin taasi ay tahay qaab dhaqan ay leeyihiin dadka Pashtunka ah ee degan Afgaanistaan. Hayatullah waxa kale oo u sheegay Rueters, in aanay war ka hayn ragaa la xidh-xidhay iyo halka la geeyay.

Hayatullah isagoo sii wada warbixintii uu siiyay wakaalada wararka ee Rueters, wuxuu yidhi “sidashada hubku ma aha halkan (Afgaanistaan) macnuhu inaad tahay Al-Qaacida, dadku qoryo ayay sitaan inta badan Afgaanistaan, marka la isku daro maalmihii ugu danbeeyay ilaa 12 qof ayaa maqan oo la la’yahay, dadkan degan gobolkan waxaa khuseeya dadka maqan, mararka qaarna waxay xidhaan dad shiciba. Sarkaalkaasi muu sheegin ilaa inta rumaan ahaan loo haynayo raggaa la xidh-xidhay, Roger King oo ah Af-hayeen u hadlayay saldhiga ay Ciidamada Maraykanku ku leeyihiin meesha loo yaqaan Bagram oo ah saldhig Ciidamada cirka ah, oo ku taalla Waqooyiga caasimada Afgaanistaan ee Kaabuul ayaa sheegay in ay ku qabqabteen saddex qof oo lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin Al-qaacida gobolka Khost, ragaana la geeyay saldhiga (Bagram) si su’aalo la xidhiidha tuhunka loo weydiiyo.

Inkasta oo ay Ciidamada Maraykanka ee jooga Afgaanistaan ay ka gaabsadeen inay xusaan tirada dadka rumaan ahaanta loo Xidhay Afgaanistaan gudaheeda tan iyo marka ay Ciidamada Maraykanka iyo xulufada kale howlgalka ku lidka ah ka bilaabeen Al-qaacida iyo Taalibaan, haddana Afhayeen kale oo u hadlay saldhiga Bagram ee Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in aqlabiyada dadka rumaan ahaanta loo xidho la sii daayay.

Madaxweynaha Iiraan Oo

Booqasho Maalin Ah Ku Tegay Afgaanistaan

 

Kaabuul (W. Wararka): Madaxweynaha dalka Iiraan Maxamed Khaatami ayaa shalay booqasho hal maalin ah ku tagay caasimada Afgaanistaan ee kabuul isaga oo wadahadalo la yeeshay Madaxweyne Xamiid Karasay oo ay isla soo qaadeen xidhiidhka labada dal.

Shir-Jaraa’id oo ay labada Madaxweyne wada jir u qabteen ka dib wada-hadalada ay yeesheen ayay kaga hadleen sida ay u arkaan xidhiidhka labada dal. Madaxweynaha Iiraan Maxamed Khaatami ayaa dhiniciisa sheegay in aanay dawladiisu marna faragalin ku samaynayn, arrimaha gudaha ee Afgaanistaan iyo inaanay ogolaanayn inuu dalkeedu hoy u noqdo kooxaha ka horjeeda dawladda laga dhisay Afgaanistaan. Madaxweynaha Afgaanistaan Xamiid Karasay ayaa isna uga mahad celiyay Iiraan sidii ay dalkeeda ugu soo dhawaysay qaxootigii reer Afgaanistaan muddadii ay dagaaladu ka socdeen dalkaasi iyo sida ay Iiraan gacanta uga geysanayso dib u dhiska Afgaanistaan.

Booqashadan oo ah tii ugu horaysay ee uu Madaxweyne Iiraan ka socdaa ku tago Afgaanistaan, tan iyo markii uu kacaanka Islaamiga ahi ka dhashay Iiraan 1979kii. Waxa la sheegay in ay muujinayso sida uu u soo hagaagayo xidhiidhka labada dal.

Wareega Labaad Ee Wada-Hadalada Aayaha Suudaan Oo Ka Furmay Kiiniya

 

Kharduum (W. Wararka): Afhayeen u hadlay dawladda Suudaan, ayaa sheegay in wada-hadalada haatan u socda iyaga iyo Jabhadda SPLA oo ka dhacay magaalada Maashakus ee dalka Kiiniya ay yihiin kuwii lagu soo afjari lahaa wada-hadaladii muddada dheer u soo socday labada dhinac, lagana soo saari lahaa go’aanadii kama dambaysta ahaa.

Dhawaaqan shalay ka soo yeedhay Afhayeenka u hadlay dawladda Suudaan, waxa uu ku soo beegmay iyada oo wareegii labaad ee wada-hadalada u dhexeeya dawladda Suudaan iyo Jabhadda SPLA ay ka socdaan dalka Kiiniya, shirkaas oo uu qaban-qaabiyay ururka IGAD, dushana ay ka la socoto dawladda Maraykanku. Wararka shirkaas ka imanaya, ayaa sheegaya in lagaga wada-hadlayo qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin, sidii ay dawladda uga qayb-qaadan lahayd jabhadda SPLA, xabad-joojin rasmi ah oo lagu soo af-jarayo dagaalka muddada dheer socday, dib-u-dhiska dhulkii ku burburay dagaalada, dib u soo celinta Qaxootiga iyo sidi la isugu dhafi lahaa Ciidamada labada dhinac, waxaana lagu wadaa in la magacaabo guddi wada-jir ah oo arrimahaa ka shaqaysa.

Wada-hadaladan oo laga yaabo in ay socdaan muddo ilaa shan toddobaad ah, waxa la sheegay in ay ilaa iyo hadda ku socdaan Jawi ay kalsooniyi ka muuqato. Wada-hadaladii hore ee labada dhinac dhexmaray bishii aynu soo dhaafnay, ayay iskula gaadheen in ay aayahooda ka tashadaan dadka Koonfurta Suudaan, marka ay dhammaato muddada kala guurka ah oo dhan lix sanno iyo in aan shareecada Islaamka lagu xukumin Koonfurta Suudaan Muddadaasi.

Isra’il Oo Maxkamad Saaraysa Hoggaamiyihii Kacdoonada Falastiin

 

Jerusalem (Reuters) - Maalintii shalay ayaa dawladda Isra’el sheegay inay kiis gacan ku dhiiglenimo ku soo taagi doonaan (maanta) maxkamad hoggaamiyihii kacdoonada Falastiiniyiinta ee ka soo horjeeda Israel.

Marwan Bar-ghothi oo ah hogaamiye caana oo u dhashay Falastiin, kana qaybqaatay hogaaminta maalgelinta iyo hawlgelinta kacdoonada ay Falastiiniyiintu bar-tilmaameedka ka dhigteen Israa’iiliyiinta oo la xidhay bishii April ee sannadkan ayuu sheegay wasiirka caddaaladda ee Israa’iil in kiisas la xidhiidha dil loo geystay Israa’iiliyiin lagu soo taagayo maxkamad ku taala Tel Aviv, waxaa la filayaa inay kor u kiciso dareenka ka jira degaaankaas, sababtuna ay tahay iyada oo codeyn hore looga qaaday.Falastiiniyiinta ayaa muujisay in Barghouti uu ka haysto taageero ballaadhan oo uu yahay nin ku xiga Yaasir Carafaat xagga shacbiyadda uu ka haysto Falastiiniyiinta.

Abbas Zaki oo ah xubin ka tirsan garabka FATAAX ee Yaasir Carafaat ayaa sheegay dacwaddan lagu soo oogagyo Barghouti ay noqon doonto mid magaca iyo taageerada u sii kordhinaysa Mr. Barghouti.

Ciidamada Israel oo bilaabay in la mastaafuriyo qoyska ragga ka qaybgala weerarada bamamka ah ee Falastiiniyiinta ayaa la sheegayaa in ay keentay hoos u dhac ku yimid weeraradii bamamka ahaa ee lagu fulin jiray Israa’iil, kadib markii la kala mustaafuriyay qoysas Falastiiniyiin ah.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Ganacsatada Waaweyni Hanaga Dayso Waxay Naga Daba-Rarayaan

Anigoo ah muwaadin ganacsade ah oo degen magaalada Hargeysa kana mida adhiilayaashii hore ee Somaliland waxan doonayaa inaan ka hadlo qodob muhiima una baahan in laga hadlo.

Kaas oo ah ganacsatada waaweyn ee dalka wax u soo dejisa oo markay ganacsatada yar yar wax ka iibiyaan haddana ka daba rara, iyagoo ku eryaya ganacsatada yar yar, xataa ma ogola in gaadhi kale qaado iyaga oo iibiya alaabta gaadiidka qaadana iyagaa leh. Iyaga ayaa ah (whole saller) iyo (retailer).

Haddaba waxa isweydiin mudan, siday ganacsatada yar yari u noolaan karaan? Miyaanay ahayn ninkii hanti badani ha noolaado? Haddii si kale loo dhigo waxa la odhan karaa nimanka aanu damqanayn dalka iyo dadkooda maaha wadaniyiin.

Dhinaca kale waxaan ku talin lahaa Wasaarada ganacsigu sharci ha u samayso Ganacsiga dalka dawladuna ha naas nuujiso ganacsatada yar yar ganacsatada waaweyni ha kala caddeeyaan inay dalka u dhasheen iyo inay dibadda ama dariska ka yimaadeen oo noo soo shaqo tageen.

Isku soo duuboo ama dadka sidan ka daaya (ganacsatada waaweyn).

Ganacsatada waaweyn dad wanaagsan bay u muuqdaan markay wax kaa iibinayaan balse ma ogola in la macaasho cid aan iyaga ahayni. Taas oo lamid ah “baadida nin baa kula day-dayi daalna kaa badine oo aan doonayn inaad hesho daa’in abidkaaye”.

Waxaan hadalka ku soo gabagabaynayaa sidan si dhaanta, ayaa laga rabaa ganacsatada waaweyn.

Yuusuf Cabdi Xandule(Haliil) Hargeysa

Somaliland Waxay U Baahan

Tahay Wasiior Tiro-Yar Oo Tayo Leh

Waxa laga hayaa xigmad macne wayn ku fadhida nin maraykan ah oo la odhan jiray Ilyotani oo shirkad wayn maamule ka ahaa inuu yidhi “xil wakiilashada qof kale kuma baran dhibyaraan ee waxaan ku bartay si qadhaadh oo kulul” waxaa loo baahan yahay markaad qof hawl u xilsaartid inaad u ogolaatid inuu qaato go’aan aad adigu masuul ka tahay oo xilkaasu ku fulo waxaad siinaysaa awood uu ku fuliyo shaqada adiga oo ku kormeera, is-afgaradkuna waa aasaaska u wakiilashada xilka.

Waxa kale oo muhiima markaad qof hawl u xilsaarayso, inaad si waafi ah ugu shardidid awoodiisu inta ay ku siman tahay waana muhiim inaad hubsatid inuu aqoon fiican u leeyahay siyaasada hay’adda loo xilsaaray, gaar ahaan inta ku lug leh shaqadiisa waxaa kale oo kugu waajib ah inaad sheeda kala socotid hawl qabadkiisa si aad u hubsatid in shaqadu u fulayso sidii aad rabtay.

Gudoomiyaha guulaystaa kama baqo inuu qof kale hawsha u xilsaaro laakiin Gudoomiyaha faashilka ahi wuu ka baqaa inuu ku aamino qof kale, isagoo ka cabsi qaba in isaga la canaanto haddii qofkaasi shaqada ragaadiyo markaa si aanay taasi u dhicin hawshoo dhan isagaa gacanta ku haysta mana suuroobayso inuu wada fuliyo Maxaa yeelay? Shaqada laga rabo ayaa ka badan in hawlihii kale socon waayeen shaqooyinkiina halkaa ku curyaamaan isagana abaalkii laga waraabiyo wixii uu galabsaday.

Hadal iyo murti waxa loo baahan yahay in maskaxda la balaadhiyo oo magacaabida masuuliyiinta hay’adaha dawlada ee kala duwan, loo eego aqoon, iyo aamin iyo karti fulineed, balse aan loo eegin, haybta uu ka soo jeedo qofku taas oo ah waxyaabaha indhaha ka riday milgihii xil wakiilashada ee loo baahnaa iyo dadkii ehelka u ahaa qabashada baylahda jirta.

Anigu waxaan odhan lahaa haddii daacad laga yahay dalkan horusocodkiisa waa in la abuuraa (hawl iyo qofkeed) (right man right position) xalku maaha Wasiiro la kordhiyo ee waxa xal ah Wasiiro tiro yar oo tayo waxqabad leh) oo dalka iyo dadkuna u aayo, gabagabadii wasiirada iyo wasaaradaha tirada badaniba waa inay noqdaan, qaar mugleh oo maangal ah, muhiim maaha in xulashada lagu saleeyo qoys ee waxa muhiim ah, in lagu saleeyo aqoon iyo karti fulineed aamin waa sifaha caqliga toosan lagu kobciyo.

Maxamed Ibraahim Sagax

Hargeysa

Halla Hubsado WFP, Waxna Halaga Qabto Waraabahan Xoolihii Dhameeyay

Aniga oo ka tarjumaya dandarta u baahan in la quudiyo ee tabaalaysay ee dalka, haddana waxa dhacda raashinka ay keento WFP in ay tahay wan weyn badhi ku shub iyo arrimo Siyaasadeed.

Dhammaan dadka tabaalaysan ee ah naafada, agoomaha, saboolka, iyo arrimaha dabiiciga ah ee gar-gaarka deg deg ah u baahan ma helaan waxay uga baahan yihiin hay’adaasi.

Waxaana dhacda had iyo jeer in raashinka WFP ay marto meelo aan looga baahnayn sidaa darteedna ay ka baaqsatay wixii loogu tala galay.

Raashinka WFP wuxuu ka soo degaa dekeda Berbera dhammaan dadkeeda tabaalaysani wax ay ka helaan ma jirto.

Hadaba hay’adda WFP ma waxa ku qadhaabta masuuliyiinta ummadda? Dhinaca kale waxaan la socodsiinaynaa masuuliyiinta Qaranka in muddo saddex sanadood ku siman xoolihii deegaanka Bula-xaar, Dugaag, Naga Madhiyay, gaar ahaan waraabeyaal.

Waxaana hubaal ah in geelii aagaasi gabaabsi ku jiro,

Arrintaasi iyada ah in badan waxaanu qoraalo iyo cabashooyin fara badan u gudbinay masuuliyiinta gobolka Saaxil ilaa haddana wax laga qabtay  ma jiraan dhegna jalaq na looma siin. Haddaba masuuliyiinta Qaranku miyaanay ogayn in xooluhu yihiin laf dhabarka dhaqaale ee ummaddeena waana kuwii inaga soo saaray halgankii qadhaadhaa ee aan Somaliland ku xoraynay.

Waxaana la yaab leh ummad duminaysa wixii dhaqaale u ahaa, dhammaan hay’adaha u xilsaaran horumarinta reer miyiga iyo xooluhu waa kuwo magac ahaan u jira, waxaanu jecelnahay haddii aanu nahay reer miyiga in nalaga baabi’iyo hay’adahaasi magacayaga ku qadhaabanaaya, waxna aan noo qabanayn.

Haddaba iyada oo ay deegaankaasi dhibaatadaasi u gaar ah haysato ayay abaarina u raacday sida darteed masuulinyiinta heer gobol iyo qaran waxaan ka codsanaynaa in ay dhibaatadaasi si deg deg ah nooga soo gurmato.

Xaaji Aadan Xirsi (Cago Dable)

 

Doorashooyinka Iyo Warfaafinta

Waxaa la wada ogsoon yahay mashruuc walba waxa horumar laga gaadhaa marka warfaafin fiican laga bixiyo iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland gali doonto doorashooyinka dawladaha hoose ka dibna doorashooyinka madaxnimada Somaliland laakiin waxaad moodaa in Wasaarada warfaafintu wax qorsha ah oo wacyi galin aanay u fidin Shacbiga Somaliland.

Iyadoo waajibkeedu ahaa sidii doorashooyinka codaynta uga wacyi galin lahayd dadka iyadoo ay ka mid tahay.

1.       Sidii loo codayn lahaa

2.       meelaha laga codaynayo

3.       magaalooyinka laga footaynayo

4.       ahmiyadda ay qofka u leedahay codayntu

NB. Waxaa looga baahan yahay Wasaarada warfaafinta inay u sheegto dadka in doorashooyinkani aanay ahayn dagaal Siyaasadeed ee ay yihiin talaabadii koowaad ee aynu ugu talaabsan lahayn xaga Dimuqraadiyada, hadday doorashadu si wanaagsan u dhacdo, taasi waxay noqon doontaa Ictiraafkeenii oo soo dhawaaday, markaasi waxaanu faraynaa Wasiirka warfaafinta inuu hawl weyn u galo doorashooyinka oo wacyi gelinta gaadhsiiyo tuulo walba iyo magaalo walba, si aanay kadiso ugu noqon Shacbiga Somaliland

Cabdalla Maxamuud Qardhaf

Hargeysa.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Ferguson Oo Ku Hawlan Sidii Uu Haybaddii Manchester U Soo Celin Lahaa

London (Reuters) Maamulaha Manchester United Alex Ferguson ayaa bilaabay sidii xilli-ciyaareedka cusub ee Ingiriiska uu kooxda u gaadhsiin lahaa guulihii looga bartay, isla markaana uu u soo ceshan lahaa hay’baddii Manchester lagu bartay.

Ololaha koobab la’aanta kuma keli aha kooxda dunida ugu qanisan, waxaana u qaadan-waa ku noqotay Ferguson dedaalkii xidhiidhka ahaa ee midho la’aanta ku dhammaaday.

Waxaa soo food-saartay da’dii uu kaga fadhiisan lahaa. 60-jirka Scotland u dhashay wuxuu sheegay in uu qalmo markii siddeedaad inuu ku guulaysto horyaalka, xilli-ciyaareed 17aad ayaa ugu soo galay muddadii uu Old Trafford joogay.

Hunguraynta uu ka qabo koobku waxay sii kordhaysaa markii kooxdii rikoodhkii Britain ugu ballaadhnaa oo ah 30 milyan oo gini kaga soo iibsatay Leeds ciyaaryahanka difaaca ah ee Rio Ferdinand. Kadib markii uu debcay difaaca kooxdu ayay Manchester bilowday in ay wax ka qabato.

Ferdinand wuxuu uga marti yahay in uu si dhakhso ah u muujiyo mid la mid ah awoodii khadka dambe ee markii uu England u ciyaarayay. Haddii Wes Brown ku waaro dhaawac la’aan, labada ciyaartoy waxay si wada-jir ah u horumarinayaan sidii ay ugu shaqayn lahaayeen kooxda iyo dalkaba muddada sanadaha soo socda.

Khadka dhexe ee United waxaa inay ku negaadaan loo doortay Roy Keane, David Beckham, Paul Scholes, Nicky Butt, Ryan Giggs iyo Juan Sebastian Veron, oo dhammaantood doorasho ku kala baxaya.

Markii laga reebay xulka Ireland ayuu kabtan Roy Keane ku ballan-qaaday inuu wacdaro ka muujin doono bilowga xilli-ciyaareedka cusub. Laakiin arrinta muhiimadda badan lihi waxay noqonaysaa hannaanka Ferguson u xusho ciyaarta kooxda. Wuxuuna u dhaxeeyaa ama uu marba mid qaadan doonaa qaababka kala ah; 4-5-1, 4-3-3 iyo habka caadiga u ah ee 4-4-2.

Xilli-ciyaareedkii tegay, Manchester waxay qiime qaaliya ku bixisay Veron oo ku guul-daraystay inuu ku negaado kooxda aas-aasiga ah.

Ferguson, wuxuu sheegay inuu guusha marti uga yahay ninka reer Argentina xilli-ciyaareedkan, laakiin wax natiijo ah lagama gaadhin, sannad kadib markii uu Lazio uga soo wareegay doorkiisii ugu mudnaa ee kooxda Manchester weli ma cada.

Ganaaxa ku dhacay kooxda waxa ka mid ah xiddigaheeda ay iibisay sida; Andy Cole iyo Dwight York, oo Blackburn u guuray muddo siddeed bilood laga joogo.

Weeraryahanka Diego Forlan ayaa ku guul-daraystay inuu goolal dhaliyo 18 kulan oo uu saftay, inkasta oo uu ka soo raynayo kulamadii diyaargarowga.

Waxay noqonaysaa keliya, weeraryahanka reer Norway ee Ole Gunner Solskjear oo garbihiisa buuxiya halyayga Ruud Van Nestelrooy oo xilli-ciyaareedkii tegay gool-dhalintiisa gaadhsiiyay 35 gool.

Manchester waxa kale oo ku furmay xilli-ciyaareedkan mashaqo kale oo kaga imanaysa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City oo markale la soo laabatay awood buuran, waxayna dhaqdahqaaq ka bilowday goobtii lagu qabtay tartanka Barwaaqo-sooranka oo ay tabobar ku qaadanayaan.

Ferguson wuxuu niyadda ku hayaa kulamo uu ka mid yahay ka dhexmaraya ninka colaada guunka ahi ka dhaxayso. Waa tabobaraha Manchester City Kevin Keegan, labada ugu wer-werka badani waa kulamada dhexmaraya labada kooxood ee isku magaalada ah xilli-ciyaareedkan. Ka hore wuxuu ka dhacayaa 9 Nov garoonka caanka ah ee M. United.

Dhinaca Yurub, Manchester waxay ku hanweyn tahay inay awood u leedahay kulamada Yurub, gaar ahaan wejiga hore ee horyaalada Yurub oo sannadka ciyaarta kama-dambaysta ahi ka dhaci doonto Old Trafford.

Sidaa darteed, waxay door-bidaysaa inay dhaafi doonto kaalintii simi-faynalka ee ay kalhore gashay.

Kahor xilli-ciyaareedkii 2001-02, markii ugu dambaystay ee ay koob la’aan ku dhacaan waxay ahayd sannadkii 1998. sannadkan soo socda waxay isu diyaarinaysaa sidii ay sadexda kooba gacanta ugu dhigi lahayd.

Romario Oo Laba Gool

U Dhaliyay Kooxdiisa Cusub

 

Rio de Janeiro (Reuters) – weeraryahanka Romario ayaa laba gool u dhaliyay kooxdiisa cusub ee Fluminese, wuxuuna ka caawiyay guul-darada kooxda cusubi u xambaarisay Cruzeiro oo ay 5-1 ku dhirbaaxday kulan ka mid ah horyaalka Brazil.

36-jirku, wuxuu ka soo roonaanayaa niyad-jabkii uu ka qaaday markii laga reebay xulkii koobka adduunka. Goolka hore wuxuu dhaliyay daqiiqaddii 43aad oo loo dhigay rigoore, isaga oo ka labaadna ku daray waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta ka lumay.

Geesiga Brazil ee koobkii adduunka 1994 wuxuu kaga qiiraysiiyay (67,000) oo fadhiyay garoonka Maracana Stadium, wuxuuna kordhiyay ka qaybgalkii daawashada ciyaarta.

Magno Alves iyo Ferando Diniz ayaa 2-0 ka dhigay kulanka qaybtiisii ugu horraysay. Ciyaartoyga dhexda ka ciyaara ee Beto ayaa dhaliyay gool kale bilowgii qaybtii labaad. Hase yeeshee, waxa markiiba laga saaray ciyaarta kadib markii uu kaadhkii labaad qaatay.

Cruzeiro, oo aan tabobare wadan, kadib markii Khamiistii uu is-casilay Marco Aurcho, waxaa isu duwayay Fabio Junior.

Difaaca ka qaybgalay koobkii adduunka Anderson Polga ayaa isna kaadhka cas la siiyay oo laga saaray ciyaartii dhexmartay Palmeiras iyo Gremio oo ku dhammaatay barbaro 1-1.

Tabobaraha Palmieras Vanderley Luxembergo oo lagu eedeeyay inuu kooxdiisa ku amray inay sidaa qalafsan ula ciyaaraan Gremio ayaa qaabkaa ku dhammaystay kulankii ka dhacay garoonka Parque Antartica Stadium.

Tabobarihii hore Brazil ayaa aad u dhaliilay garoonka lagu ciyaarayay oo uu ku tilmaamay mid aan laga shaqayn oo dhirtu ku baxday. Sidaas darteedna aan la xukumi karayn kubadda. Wuxuu yidhi; “Waxay ciyaarayaan wax kubadda ku lid ah, waxayna ku ballameen inay khaladaadka badiyaan, garsooruhuna waxba kama qabanayn dhibaatadaa.”

Sidoo kale, weeraryahanka Gremio ee Luis Mario oo lumiyay fursad uu horraantii ciyaarta helay ayaa yidhi; “Cawskii ayaa aad u dheeraaday, waana sababta aan u awoodi waayay inaan kubadda dhammaystiro.”

Ciyaaryahanka Nene ayaa Palmieres waqti dambe u dhaliyay goolka, halka Lima u shan daqiiqadood kadib dhaliyay goolka barbaraha ee Gremio.

Vienna Oo Iibsanaysa Steven Effenberg

 

Vienna (Reuters) – Kooxda ka tirsan hroyaalka dalka Austeria ee Vienna ayaa aad u xiisaynaysa heshiis ay la gasho ciyaaryahankii hore ee xulka Germany iyo Bayern Munich Steven Effenberg. Sidaa waxa Salaasadii sheegay Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda.

Peter Svetits, ayaa wakaaladda wararka ee APA u sheegay inuu u duulayo magaalada Munich oo uu la kulmayo 34-jirka.

Bayern Munich, umay cusboonaysiin heshiiska ciyaartoygaas markii muddadii heshiisku ka dhammaaday.

Wax war ahi kama soo bixin dhinaca ciyaartoyga, balse Maamulka kooxda Vienna ayaa isku qanciyay in Effenberg dalabkooda aqbalayo.

Vienna hadda waxay horyaalka dalkaa kaga jirtaa kaalinta labaad, waxaana ka saraysa oo dhinaca dhibcaha hoggaaminaysa Sturm Graz.

Trezeguet Oo Dhaawac

Dartii Ciyaaraha Uga Maqnaan Doona

 

Weeraryahanka Juventus David Trezeguet ayaa u soo dhacay dhaawac ku soo laba-kacleeyay oo ka gaadhay ruuga midig dhammaadkii bishii July.

Trezeguet oo ku dhacay goobtii tabobarka wuxuu ka maqnaanayaa ciyaaraha bilowga ah ee horyaalka.

24-jirka Faransiiska ahi wuxuu hadda guda-gelayaa baadhis caafimaad, waxaana la filayaa inuu muddo saddex toddobaad ah garoomada ka fadhiyi doono.

Juventus waxa kale oo labada kulan ee ugu horreeya ka maqnaan doona ciyaaryahanka khadka dhexe ee Holland Edger Davids, kadib markii guddida ciyaaraha Talyaanigu ku ganaaxeen inuu ka fadhiyo laba ciyaarood.

Ciyaartoyga dabeecadda xumi wuxuu si bahalnimo ah ugu gardarooday ciyaartoyga Romania ee Cosmin Contra. Wuxuuna ka maqnaanayaa laba kulan oo Juventus la yeelanayso Parma iyo kulanka ciyaarta lagu furayo ee Piacenza.

Dhinaca kalena, weeraryahanka Marcelo Salas ayaa ka soo kacay dhaawac ka gaadhay ruugga, haddana wuxuu diyaar u Yahay in uu safto, kadib makrii uu muddo aad u dheer fagaarayaasha ka maqnaa.