Haatuf, Cadadki 140, Aug.19, 2002 Maxay Ku Sugantay Hooyadii 3-Carruur Ah Mataanaysay “Wiilkii wuu dhintay, anigana 1500cc oo dhiig ah baa laygu shubay” Hargeysa (Haatuf): Marwo: Faadumo Axmed Cawed waxa weeye hooyo si culus umushay, waxayna Arbacadii toddobadkii hore gurigeeda oo ku yaal xaafadaha koonfur-galbeed Hargeysa ku dhashay saddex caruur ah oo kala ahaa laba gabdhood iyo wiil, laakiin saddexda mataanood ka sokow marwo: Faadumo markii ay umushay waxay xaaladeeda nafaqo ahayd mid argagax leh, taas oo ay dhakhaatiirtu culayska dhiigeeda ku tilmaameen ilaa 4kg, waxayna dhakhaatiirtu xaaladda noocaas ah ku tilmaameen mid halis ah, waayo bay yidhaahdeen hadii uu culayska dhiigga ee qofku hoos u dhaafo ilaa 7kg xaaladdu waa halis, sidaa darteed marwo: Faadumo xaaladda ay ku umushay waxaynu ku tilmaami karnaa xabaal-qarkeed, laakiin waa loo gurmaday, waxaana bilowgiiba si degdeg ah loogu shubay dhiig. Hase yeeshee umusha iyo caruurteeda dhibaatada nafaqo daro ka sokow waxa u sii dheerayd duruuf nololeed oo adag oo haysatey, taas oo ay dadka arinta qoyskaa xog-ogaalka u ahaa aad uga wer-wersanaayeen xaaladda nololeed ee hooyo Faadumo iyo saddexdeeda cunug, iyadoo uu Faadumo qoyskeedu yahay qoys ay duruuf dhaqaale laba-diblaysay, taas oo aanu aabaha qoyska hooyada umushay, C/risaaq Saleebaan tamar iyo taagtoona u hayn nafaqaynta ooridiisa jilicsan iyo ubadkiisa mataanaha ah. Dhawr maal-mood ayey saddexda mataanood, iyaga oo isu dhan ifka nolol ku joogeen, laakiin nasiibku kuma simin inay maanta isu noolaadaan, waxaana saqiiray wiilkii ka mid ahaa saddexda mataanood, halka ay weli nool yihiin labadii gabdhood. Laakiin labada gabdhood waxay hooyadood Faadumo Axmed Cawed hadda kula jirtaa cusbitaalka Edna hospital, halkaas oo lagu xanaaneeyey marwo: Faadumo iyo labada gabdhood ee weli u nool. Weriyayaal ka tirsan wargeyska Haatuf ayaa shalay marwo: Faadumo iyo labadeeda gabdhood ee mataanaha ah ku booqday qolka ay ku jiraan ee cusbitaalka, inkasta oo hooyo Faadumo oogadeeda weli si fiican uga muuqdaan haarihii ay nafteeda badeen xanuunkii iyo nafaqo daradii isu barkaday ayaameheedii foosha iyo umusha, haddana waxoogaa ayey ka soo kabatey diiftii ka muuqatay maalin ka dib umusheedii, maalintaas oo ay sugnayd gudaha san-daqad yar oo hoy u ah qoyskeeda. “Ilaa 1500 CC oo dhiig ah ayaa la ii shubay, haddana waa ladnahay” ayey tidhi hooyo Faadumo Axmed oo qolka ay ka degan tahay cusbitaalka Edna ugu waramaysa weriyayaasha Haatuf ee booqday, waxayna intaa ku dartay “Wiilkii waa iga dhintay, laakiin labadii gabdhood weli waa kuwaa nool, wayna ladan yihiin hadda”, iyadoo marwo: Faadumo sheegtay in intii ay cusbitaalka ku sugnayd aad looga shaqeeyey xaaladda caafimaad ee, iyada iyo labadeeda hablood ee mataanaha ah. Hase yeeshee marka laga yimaado waxoogaaga dedaalka caafimaad ah ee loo sameeyey umusha iyo mataaneheedu ilaa hadda dawlad iyo dadweyne toona may helin cid gacan ka geysata xaaladda liidata ee dhaqaalaha qoyska Faadumo Cawed, waxaana laga yaabaa in marwo: Faadumo iyo labadeeda mataanood ilaa maanta ay ka baxaan cusbitaalka, maadaama ay xaaladooda caafimaad hadda wanaagsan tahay, laakiin weli waxa taagan wer-wer la xidhiidha xaaladooda nololeed ka dib marka ay ka baxaan cusbitaalka lagu xanaanayn jirey. “Qolo ayaa u keentay dhawr qasacadood oo caano ah, laakiin ma jirto wax kale oo lagu caawiyey”, sidaa waxa tidhi haweenay ku sugnayd qolka cusbitaalka ee ay umusha iyo caruurteedu degan yihiin. Marwo: Faadumo Cawed Axmed waxay cusbitaalka kala baxaysaa faro-madhnaan, waxayna dib ugu laabanaysaa guri aanay waxba ku ogayn, sidaa darteed marwo: Faadumo iyo labdeeda mataanood ee weli nooli waxay u baahan yihiin gacmo ka caawiya duruufta ee agtooda taal si ay uga gur-guurran karaan marxaladda jilicsan ee ay nolol ahaan dhex-jiifaan. “Arrinta Boolisku Waxay Doonaysaa In Mar Gacanta La Saaro” Shir-Jaraa’id – Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Hargeysa (Haatuf): Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shalay shir-jaraa’id oo uu kaga waramay kormeer shaqo oo uu muddo ku booqanayay hay’adaha dawladda ku qabtay xafiiskiisa Madaxtooyada Somaliland. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu shirkaa jaraa’id ku sheegay in kormeeradiisii salka ku hayeen fikrad uu aaminsan yahay oo ah, in haddii uu qofku hayo masuuliyad ummadeed ay waajib ku tahay inuu hubiyo sida ay u fuleen hawlaha ummadda loo hayo. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, wuxuu sheegay in guddi uu isagu ka madax ahaa uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland ay ka hawl-galeen, arrimaha Garsoorka oo ay dadku aad uga cabanayeen, hawshaas oo ay ku dhex jireen muddo 3-bilooda, ilaa imikana socota. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu sheegay in guddiga ka hawl-galay arrimaha Garsoorka ay ka kooban yihiin 2-xubnood oo ay soo doorteen Wakiiladda Baarlamaanka Somaliland 2-xubnood oo ay soo doorteen Guurtida Somaliland Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Gudoomiyaha shaqaalaha, tiradooduna dhan tahay ilaa 10-qof uu distuurku siinayo awoodda ah in ay daba-galaan arrimaha. Guddigaas hore waxa uu noqday (Guddigii hore ee dhisnayd) mid aan shaqaynayn, laakiin hadda ayuu Madaxweyne Ku-xigeenku yidhi: “Waxaa la yidhi awoodda uu idinsiinayo distoorku fuliya.” Madaxweyne Ku-xigeenku, wuxuu shalay shirka jaraa’id sharax kaga bixiyay qaabka ay guddigoodu u arkaan in arrimaha Garsoorka lagu sixi karo, waxaanu yidhi; “Garsooruhu waa inuu markuu kiiska rido fayl yeeshaa, dabadeedna la yidhaa garsoorahaasi kiiskaa sida uu u riday miyuu asiibay, mise muu asiibin. Haddii uu markaa 3-jeer khaldamo, waa in guddiga cadaaladdu arrintaa gashaa, halka ay cadaaladdu ka jiiftay halkaas ayay ahayd.” Madaxweyne Ku-xigeenku, wuxuu sheegay in intii ay hawshaa Garsoorka ku jireen ay kamileen hawlihii garsoorka Gobollada Somaliland oo dhan, marka laga reebo Gobolka Sool, haddana ay guddidaa ku hawlan toosinta garsoorka Somaliland ee uu Madaxda ka yahay ay ku dhex jiraan hawlaha kaaliyaasha maxkamadaha oo ah buu yidhi; “Niman muhiim u ah hawlaha garsoorka, loona baahan yahay in ay noqdaan kuwo leh aqoon iyo hawl-karnimo shaqo,” waxaanu soo jeedinay in cidii qiimaynteeda loo bogi waayo in dib imtixaan looga qaado, si loo hubiyo aqoontooda, haddana imtixaankii ayaa loo diyaarinayaa, 60-qofna tiradoodu way ka badan tahay. Madaxweyne Ku-xigeenku, waxa kale oo uu sheegay in dhinaca Booliska dambiyada soo baadha ay wax badani ka dhimman yihiin marka la eego qaabkii uu boolisku ku shaqayn jiray xilliyadii hore, “Arrintaa waanu daba-galnay, Madaxweynahana waanu kala hadalay. Arrinta boolisku, waxay doonaysaa in mar gacan la saaro oo wax laga qabto,” ayuu yidhi. Xeerka Garsoorka ee kala saari lahaa Garsoorayaasha iyo Maxkamadaha oo ay Golaha Wakiillada ee Somaliland hore uga biyo-diiday ansixintiisa, ayuu ku sheegay shirkaa jaraa’id Mudane Axmed Yaasiin in ay ka hawl-galeen oo la kaashadeen khuburo ka shaqeeya jaamacadda, taas oo ay soo dhameeyeen, kadibna dib loogu celiyay Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan iyo sidii mushaharka garsoorayaasha maxkamadaha loogu sar-goyn lahaa heer baahidooda yareysa. Madaxweyne Ku-xigeenku, wuxuu intaa ku daray in guddigaas oo isku dhammi uu hadda u hawl-galayo, sidii ay wax uga qaban lahaayeen Cusbitaalka Guud ee Hargeysa iyo in ay doonayaan in shicibka iyo tijaartu ay kala qayb-galaan hawsha wax lagaga qabanayo Cusbitaalka weyn ee Hargeysa, iyo qaabka ay guddigani u hagaajiyaan Cusbitaalka Hargeysa iyo formulada shaqo ee ay u dhigaan in laga hirgalin doono dhammaan adeegga Caafimaadka ee Gobollada Somaliland. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaa kale oo uu kaga hadlay Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa oo ay ka jirtay cabasho biyo-la’aani beryahan dambe, waxaanu sheegay in saddex qaybood ay u qaybiyeen wax ka qabashada biyo yaraanta Hargeysa, kuwaas oo kala ah; 1. Hawl degdeg ah (Emergency) oo uu sheegay in ay ka wada-hadleen hay’adda UNHCR, taas oo qalabka dayactirka loogu keenayo mishiinada biyaha ee fadhiya iyo 2 mishiin oo caawimo ah. Hawshaas oo la filayo in ay fusho labada toddobaad ee soo socda. 2. 5-mashiin oo la filayo in la keeno bisha Sept – Oct oo la kala dhigi doono 3-mishiin Geed-deeble, 2-mishiina Biyo-khadar Shirweynaha Isbahaysiga ASAD Oo Doortay Madaxda Sare Ee Ururka “Inaga ASAD ahaan dhaqanka kala takoorida dadka reer Somaliland waa inaga xaaraan”Saleebaan-Gaal Hargeysa (Haatuf): Shirweynaha Koowaad ee isbahaysiga ASAD (Alliance for salvation and democracy), ayaa fadhigiisii shalay jagada Guddoomiye-nimada ururka u doortay Saleebaan Maxamuud Aadan oo hore si ku meel-gaadh ah ugu hayay jagadaas. Shirweynaha ASAD oo shalay galay maalintii labaad, waxay ergadu guddoomiye ku-xigeeno u doortay Muj; C/raxmaan Aw Cali Faarax oo noqday ku-xigeenka koowaad, iyo Fu’aad Aadan Cadde oo isna loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee isbahaysiga ASAD. Sidoo kale, ergada shirweynuhu waxay coddad aqlabiyad ah ku meel-marisay laba nuqul (Document) oo kala ah barnaamijka Siyaasadeed, iyo dastuurka ururka. Ergada shirkaa ka qayb-gashay oo tiradoodu gaadhaysay ilaa 300 oo xubnood, ayaa ka dooday barnaamijka siyaasiga ah iyo dastuurka ururka ASAD, ka hor intii aanay ansixintiisa isku raacin. Qodobka labaad ee shirweynuhu ka faraxashay, wuxuu ahaa doorashada hogaanka ururka, iyada oo subaxnimadii hore xoghaynta shirweynaha loo soo gudbiyay magacyada musharaxiinta u tartamaysa xilalka sar-sare ee hogaaminta ururka. Saddexda xubnood ee ergadu dooratay, ayaa ku wada-qornaa liiska musharaxiinta shirgudoonku Golaha soo hordhigay, waxa kale oo isna shirgudoonka soo gaadhay liis ay ku wada-qoran yihiin saddex musharax oo u kala taagan saddexda jago ee hogaanka isbahaysiga ASAD, labada liis waxaa lagu soo gudbiyay magacyo isku mid ah, marka laga tago jagada Gudoomiye-nimada labaad oo ay laba musharax isu soo taageen. Dhammaan ergadu, waxay si buuxda oo aanay u kala hadhin ku aqbaleen gudoomiye-nimada ururka ee Saleebaan Maxamuud Aadan. Waxa kale oo iyana sidaa si la mid ah ergadu u dooratay, C/raxmaan Aw Cali Faarax oo noqday ku-xigeenka koowaad iyo Fu’aad Aadan Cadde oo isna loo doortay ku-xigeenka labaad. Ninka labaad ee jagada kula loolamayay Fu’aad, ayaa isagu ku hadhay wareegii koowaad, isaga oo aan wax cod ah ergada ka helin. Xubnaha hogaaminta ururka ee shirweynuhu doortay oo hore si ku meel-gaadh ah xilka ururka u hayay, ayaa hadda laga bilaabo noqonaya guddoonka rasmiga ah ee isbahaysiga ASAD. Dhammaan Madaxda loo doortay hogaanka ururka, ayaa ka mahadnaqay tallaabooyinka ergadu dib ugu soo dooratay Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo loo doortay Gudoomiyaha ASAD, aya u mahadnaqay ergadii shirweynaha ee dooratay. Saleebaan-gaal oo ergada shirka u jeediyay hadal kooban oo uu kaga hadlayo, sidii ururku isugu diyaarin lahaa ololaha doorasho ee Madaxtinimada dalka, isaga oo intaa ku daray in xubin kasta oo ASAD ka tirsan looga baahan yahay firfircooni dheeraad ah, taas oo uu ku tilmaamay habka keliya ee ay ku hanan karaan hogaanka Siyaasadda dalka Somaliland. “Waxaa loo baahan yahay dedaal dheeraad ah, si looga midha dhaliyo rabitaanka ama gacan ku qabashada hogaanka talada dalka, horumarka iyo cadaaladda ASAD dalka la doonayo lama gaadhayo, ilaa aad talada gacanta ku dhigtaan,” ayuu yidhi Saleebaan-gaal. Guddoomiyaha la doortay, wuxuu daboolka ka qaaday in ay jirto colaad lagula kaco xubnaha ururka, taasina ay ka dhalatay damacooda Siyaasadeed ee ku wajahan doonista talada hogaaminta dalka, hase yeeshee wuxuu intaa ku daray in aan ASAD, cidna kula dhaqmi doonin wax cadaalad-xumo ah, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Maanta waxa taalla marka qof magaca ASAD sheegto inuu ku mutaysto colaad iyo fogayn, anagu waxaanu qabnaa haddii Illaahay talada dalka ASAD ku guuleeyo in dadku u sinaandoono xukunka iyo cadaaladda dalka. Qofku mabda’iisa xor buu u yahay inuu xisbiga uu doonayo taageero, inaga ASAD ahaan, dhaqanka kala takoorida dadka reer Somaliland waa inaga xaarraan.” Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee ASAD, C/raxmaan Aw Cali Faarax oo hadal ka jeediyay madasha shirweynaha, ayaa ugu horeyn ergada uga mahadceliyay sidii hufnayd ee ay u doorteen, intaa kadib wuxuu caddeeyay in ASAD sifo sharci ah ku doonayo hanashada talada dalka, balse aanay doonayn talo-maroorsi iyo xoog wax ku doonid, “ASAD ma doonayo si walba inuu ku gaadho talada dalka, laakiin waxaanu ku doonaynaa si xaq iyo cadaalad ah,” ayuu yidhi C/raxmaan oo ka hadlaya sida ururkiisu diyaar ugu yahay doorasho xalaal ah oo dalka ka dhacda. C/raxmaan, wuxuu sheegay in isbahaysiga ASAD ku talo-jiro, sidii ay ururka uga dhigi lahaayeen mid sii jira oo jiilba jiil ka dhaxlo, taariikh fiicanna ummadda dhexdeeda ku yeesho. Musharaxa saddexaad ee ku guulaystay jagada gudoomiye ku-xigeenka labaad, Fu’aad Aadan Cadde, ayaa isna u mahadnaqay ergada shirweynaha iyo musharaxii jagada kula tartamay, wuxuuna sheegay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay jagooyinka u baneeyaan da’ yarta soo koraysa marka loo baahdo. Sidoo kale, wuxuu dumarka kula taliyay in ay ka soo qayb-galaan doorashooyinka dambe. Shirweynaha koowaad ee isbahaysiga ASAD oo la filayo in maanta la soo geba-gabeeyo, waxay ergadu kulanka maanta ku dooran doonnaan xubnaha Golaha dhexe ee ururku yeelanayo. Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Diiwaan-Gelinta Cod-Bixiye -Yaasha Iyo Sida Laga Yeelayo Ajnabiga Hargeysa (Haatuf): Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shalay ka waramay qorshahooda ku waajahan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashada madaxtinimada iyo sida laga yeelayo ajnebiga tirada badan ee dalka jooga, waxayn guddigaasi qorshahooda kaga warameen kulan ay la yeesheen ururka wadaniga ah ee xuquuqda aadamiga ee la yidhaahdo SAMATALIS, ururkaas oo uu madax ka yahay Maxamed Baaruud waxa uu kulanka dhex-maray, iyaga iyo guddiga doorashadu socdey muddo dhawr saacadood ah, wuxuuna ahaa kulan aan saxaafadda loo ogolayn, laakiin sida uu sheegay Caraale Maxamed oo ah nin suxufi ah, isla markaana ka tirsan ururka SAMATALIS waxay labada dhinac (Guddiga iyo ururku) iska xaal-waraysteen hawlaha doorashooyinka ee dalka ku soo fool leh, iyadoo ay Xubnaha ururka xuquuqal-insaanka ee SAMATALIS ay guddiga doorashada wax ka waydiiyeen cabashooyinka ururada mucaaradka ee ku saabsan wer-werka ay ka qabaan hanaanka doorashada, sida arinta diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha iyo mushkiladda ka iman karta ajaanibka faraha badan ee dalka ku sugan, iyaga oo guddiga doorashaduna dhinacooda ay ururka uga warameen hawlaha doorashadu halka ay marayaan. Hase yeeshee guddiga doorashadu waxay sheegeen in arinta dadka ajaanibka ah ay kala hadleen xukuumadda, isla markaana ay wasaaradda arimaha gudaha la leeyihiin xidhiidh wada hadal oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa dadka ajaanibka ah oo loo heli lahaa qaab aanay cod-bixinta doorashada kaga qayb gelin. Sidoo kale guddiga doorashadu, iyaga oo ka hadlaya arinta diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha waxay sheegeen in la diiwaan gelin doono goobaha cod-bixinta maalinta ay dhacayso doorashada koowaad oo ah doorashada dawladaha hoose, taas oo ay yidhaahdeen qof kasta oo codkiisa dhiibta goobta cod-bixinta ayaa laga siin doonaa kaadh ay ku qoran yihiin astaamo gaar ahi, kaadhkaas ayaanu qofku kaga qayb geli doonaan doorashooyinka dambe ee baarlamaanka iyo madaxtooyada. Sida uu sheegay warka aanu ka soo xiganay hay’adda xuquuqal-insaanka SAMATALIS, guddiga doorashooyinku waxa kale oo ay sheegeen inay u qorshaysan tahay in goobaha cod-bixintu ay noqdaan saddex-laab goobihii cod-bixinta ee aftida distoorka Somaliland, goobahaas oo ay tiradoodu ahayd 600 oo goobood, sidaa daraadeed waxay goobaha cod-bixinta doorashada dawladaha hoose noqonayaan 1800 oo goobood. Degmada Gebilay Iyo Xarakaadka Siyaasadda Gebilay (Haatuf):Ilaa afar ka mid ah ururada siyaasadda Somaliland ayaa degmada Gebilay ee galbeedku Hargeysa xafiisyo uga furan yihiin, kuwaas oo kala ah: UDUB, UCID, HORMOOD iyo SAHAN, waxaana waqtigan xaadirka ah degmada gebilay ka socda waxoogaa dhaqdhaqaaq ah oo ay wadaan ururada siyaasaddu, taas oo uu urur-waliba doonayo inuu sed ka helo tartanka doorashada madaxtinimada dawladaha hoose ee la sheegay in la qabanayo aakhirka bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa. Magaalada Gebilay oo lagu tiriyo degmooyinka waaweyni ee Somaliland waxa ku nool dad badan oo ay intooda badani tahay dad beeraley ah, waxaana sida ku qoran xeerka gobolada iyo degmooyinka ee dhowaan baarlamaanku ansixiyey degmada Gebilay la siiyey derejada “A” oo ah derejooyinka la siiyey magaalo-madaxyada gobolada, iyadoo dadka Reer-gebilay lagu xanto dad had iyo goor la saaxiiba ah kuraaasta had-ba xukuumadda talada haysa. “Boqol-kiiba boqol ayaan aaminsanahay inaanu ku guulaysan doono aqlabiyadda kuraasta degaanka dawladaha hoose ee degaamada Gebilay”, sidaa waxa yidhi madaxa xafiiska ururka HORMOOD ee degmada Gebilay Ibraahin Axmed Xasan oo uu dhowaan waraysi la yeeshay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan, wuxuuna Ibraahin intaa ku daray “Sababta aanu u helayno kuraastana waxa weeye, iyadoo uu sharciga ururku ku dhisan yahay inay dadweynuhu soo doortaan cidda ay doonayaan”, laakiin Madaxa xafiiska HORMOOD ee Gebilay mar la waydiiyey inuu ururkoodu haysto wax dhaqaale ah oo ay hawlahooda ku socod-siiyaan waxa uu ku jawaabay “Koleyba anagu ma haysano wax lacag ah oo la tilmaamo sida UDUB, laakiin waxaanu ku hawl galnaa, kuna kalsoonahay qaadhaan yar oo ay iska ururiyaan Xubnaha iyo taageerayaasha ururku”, wuxuuna intaa ku daray “Ururkayagu wuu ka duwan yahay dhammaan ururada kale”, laakiin isaga oo sheegaya sababta uu uga duwan yahay waxa uu yidhi “waxay ururkayaga siyaasadiisu ku salaysan tahay isbedel ku dhisan in la helo da’yar aqoon leh si loo gaaho horumar”. Dadka Reer Gebilay waxay had iyo goor ku andacoodaan inay degmadoodu xaq u leedahay gobolnimo, sidaa darteed Madaxa xafiiska HORMOOD ee degmada Gebilay, Ibraahin Axmed, isaga oo ka hadlaya degmada Gebilay iyo degmooyinka ama gobolada laga magacaabay duleedada Gebilay wuxuu yidhi “ anagu degmo la magaccaabo kama xumin, laakiin waxaanu si buuxda uga soo horjeednaa inay gobolo iyo degmooyin kale fadhataystaan dhulka ay degmadani taariikh ahaan leedahay, waxaanuse eedda koowaad ee arintaa u jeedinaynaa maamulka haya talada degmada”, wuxuuna Ibraahin dhaliilay maamulka degmada Gebilay, “Maamulka Xasan Xaaji wuu ku fashilmay inuu wax ka qabto arimaha iyo baahiyaha degmada” ayuu yidhi Ibraahin Axmed, wuxuuna Ibraahin ku faanay inuu ururkiisu wax badan u qaban doono degmada Gebilay hadii ay guul ka gaadhaan tartanka doorashada. Ururka UCID Iyo Kheyriyadda Hargeysa “Ururkayagu Marna Shir-Beeleed Kuma Dhawaaqo Gacmana Ku Salaami-maayo Soomaaliya” Hargeysa (Haatuf): Hogaamiyayaasha urur-siyaasadeedka UCID ayaa shalay fagaaraha khayriyadda Hargeysa khudbado uga jeediyey dadweyne isugu soo baxay fagaarahaa, iyadoo ay shalay oo ay taariikhdu ahayd Ogost 18, 2002 ay ahayd sannad-guuradii koowaad ee aasaaska ururka UCID, taas oo ay jiritaanka ururka UCID shalay u buuxsantay muddo sannad ahi, waxayna hogaamiyayaasha UCID fagaaraha khayriyadda ka jeediyeen war-bixino ay kaga waramayaan marxaladihii uu soo maray iyo waxyaalihii u qabsoomay mudadii uu ururkoodu jirey. Madaxda kala duwan oo ururka UCID ah ayaa ka hadlay fagaaraha khayriyadda, waxaana ka mid ahaa ragga halkaa ka hadlay Xasan Xaydh oo ah Madaxa xafiiska UCID ee gobolka Hargeysa iyo Axmed Cabdi Ciise iyo Maxamed Cabdilaahi oo ka mid ah hawl-wadeenada UCID ee debedaha iyo gudoomiyaha ururkaa, Faysal Cali-waraabe oo taataabtay dhinacyo badan oo la xidhiidha maamulka iyo siyaasadaha Somaliland, wuxuuna ugu horayn ku baaqay in loo baahan yahay inuu dalka Somaliland noqdo dal sharci lagu soo galo, sharcina lagaga baxo, isaga oo xusay dadka ajnebiga ah ee tirada badan ee Somaliland kaga soo jabay degaamada iyo dalalka jaarka ah, dadkaa ajaanibka ahna waxa uu Faysal ku tilmaamay inay mustaqbalka keeni karaan halis caafimaad daro iyo cidhiidhi nololeed, taas oo uu Faysal tilmaamay inay dadka shisheeyaha ahi fursadihii shaqo ee ay dadka muwaadiniinta ahi kala soo bixi lahaayeen noloshooda ku cidhiidhyeen. Gudoomiyaha UCID, waxa kale oo uu ka hadlay wararka sheegaya inuu Cabdilaahi Yuusuf imanayo gobolka Sool ee bariga Somaliland, “Cabdilaahi Yuusuf guul daro ayuu kala kulmayaa dalkeena” ayuu yishi Faysal Cali-waraabe, laakiin waxa kale oo uu ka hadlay dayac iyo daryeel la’aan uu sheegay inay ku sugan yihiin dagaal yahanka (mujaahidiin) iyo agoonta SNM, kuwaas oo uu ku tilmaamay inaan marna loo hawl-gelin sidii loo daryeeli lahaa ama loo dhaqaalayn lahaa, laakiin uu ururkooda UCID wax u qaban doono mujaahidiinta iyo agoonta SNM hadii ay ku guulaystaan tartanka doorashada madxtinimada dalka. Faysal Cali-waraabe waxa kale oo uu farta ku fiiqay dhibaato uu sheegay inay haysato ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, wuxuuna Faysal sheegay inaanay ardayda dugsigaasi haysan kuraas ku fillan, isla markaanaay cidhiidhi badan kala kulmaan fasalada oo uu yidhi waa la buux-dhaafiyey, waxaana fasal walba lagu xereeyey tiro arday ah oo ka badan xaddigii loogu talo galay fasalka. “Waanu naxnay markii aanu aragnay fasalkii 45-ka arday loogu talo galay oo ay fadhiyaan 75 arday iyo foomkii saddexda qof loogu talo galay oo ay ku fadhiyaan 6 qof” ayuu yidhi Faysal, wuxuuna arintaa si kulul ugu dhaliilay madaxda wasaaradda waxbarashada Somaliland. Hogaamiyayaasha UCID, iyaga oo ka hadlaya siyaasadda ururkooda ee ku waajahan qadiyadda madax banaanida Somaliland waxay yidhaahdeen “Ururkayagu wuxuu doonayaa inay Somaliland iyo Somaliya noqdaan laba dal oo jaar ah”, waxayna dhaliileen booqashadii ay dhowaan magaalada Hargeysa ku yimaadeen wefti Reer-Muqdisho ahi, iyaga oo yidhi “ booqashadaasi waxay inoo keentay inuu C/qaasin yidhaahdo wufuud noogu kala maqnayd waqooyi bari (Puntland) iyo waqooyi galbeed (Somaliland), madaxda waxaanu leenahay taasi way dhacdaye, mid dambe yaanay dhicin”, waxayna intaa ku dareen inay hore uga digeen arinta weftigaa . laakiin hogaamiyayaasha UCID waxa kale oo ay carrabka ku dhufteen hadalo duur-xul ah oo ay ku weerarayaan ama ku naqdiyayaan siyaasadaha ururada kale ee dhigooda ah, “ Ururka UCID waa mid aanay siyaasadiisu isbed-bedelin sida ururada qaarkood oo aan marna ku baaqin shir-beeleed, marna doorashooyin, UCID-na marna kama tanaasulayso mawqifkeeda ah inay dalka doorasho ka dhacdo, waanuna ku kalsoonahay, shir-beeleedkana waxaanu u aragnaa cudurka ugu weyn ee Somaliland ka jira ” ayey yidhaahdeen madaxda UCID. “Ururo aan weli afartan bixin oo maanta dhashay ayaa doonaya inay inala tartamaan, laakiin guushu way inoo muuqataa oo nin shalay dhashay inalama tartami karo”, sidaana waxa yidhi gudoomiyaha UCID, Faysal Cali-waraabe, wuxuuna intaa ku daray “ marka aynu awoodda la wareegno Somaliland dhalanteed noqon mayso ee waxay yeelanaysaa xuduud adag, mar dambena xuduudeeda la soo geli maayo”, wuxuuna mar kale yidhi “ Waxa nala dhigay inaanu nahay dad cunsuriyiin ah, laakiin cunsuriyiin ma nihin, balse marka aanu nidhaahno wadanka sharci haloo sameeyo in la yidhaahdo UCID waa cunsuriyiin, anagu Somali ma necbin, laakiin anagu marna Somaliland iyo Somaliya dib u kulmin mayno, gacmo dambena dib isu qabsan mayno, iga wallaan labadayada gacmood dib isu salaamayn, dibna naloo iibsan maayo”. Faysal waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka, wuxuuna yidhi “ Asxaab beelo iyo qabiil ku nooli dawlad qabiil bay dhisi doonaan, dawlad qabiilna meel ku gaadhsiin mayso, Hargeysana xisbiyaa loogu tartamayaa”. Gudoomiyaha UCID, waxa kale oo uu khudbadiisa ku weeraray qaar ka tirsan hayadaha samafalka caalamiga ah ee dalka jooga, wuxuuna yidhi “UNDP, iyadaa ina xukunta, wasiiradana mid-ba waxoogaa bay u dhiibaan ama wuxuu ninka wasiirka ahi yidhaahdaa gaadhi iga kiraysta, UNHCR-na waxba uma qabato dadkeena qaxootiga ah”. Wuxuuna gudoomiyaha UCID khud-badiisii fagaaraha khayriyadda ku soo qaaday ballan-qaadyo badan oo uu sheegay in hadii uu ururkiisu ku guulaysto tartanka doorashada madaxtinimada uu si weyn wax uga qaban doono arimo door ah oo ay ka mid yihiin: adkeynta iyo xaqiijinta jiritaanka iyo dawladnimada Somaliland, daryeelka nolosha mujaahidiinta iyo agoomaha SNM, kor u qaadidda iyo tayeynta nidaamka ciidamada, kor u qaadidda nolosha iyo dhaqaalaha, dhiiri-gelinta arimaha waxbarashada, sugidda xuquuqda muwaadinka iyo waxyaalo kale oo badan, waxayna guud ahaan madaxda UCID ee ka hadlay fagaaraha khayriyadda Hargeysa ugu baaqeen dadkii isu soo baxay ee dhegaysanayey inay taageeraan ururkooda, isla markaana aminta doorashada marka la gaadho ay codkooda siiyaan. Dayac Iyo Dhul-Boob Baa Isu-Barkaday Dugsiyada Waxbarashada BurcoWarbixin – Liibaan Maaweel Shire Burco (Haatuf): Caasimadda labaad ee Somaliland, magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo badiba ka soo kabatay burburkii iyo dakharadii dagaaladii sokeeye, ayaa haddana dhinaca Waxbarashada xaaladdu ay tahay mid wax sidaas ah ka soo raynin ama meelaha qaarkood looga sii daray. Magaalada oo si baaxad leh u ballaadhatay dhawrkii sannadood ee u dambeeyay, tirada dadkeeduna sii kordhayo, waxa ka furan hal dugsi sare oo ah Sheekh Bashiir, toddoba dugsi oo hoose/dhexe ah iyo hal dugsi oo Waxbarashada dadban ah, kuwaas oo ay magacyadoodu kala yihiin; Maxamuud Axmed Cali, Sheekh Yuusuf Al-Kownayn, Sh. Ibraahim, Togdheer, Qasabka, 1-da November, H/Dhexe Machadka Carabiga iyo Dugsiga Waxbarashada Haweenka. Dugsiyada Burco intaa kuma eka, balse waxa jira kuwo kale oo aan iyagu weli ka soo kaban burburkii dagaalada, waxaana ka mid ah; Dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta Burco ee Jarmalku dhisay, looguna magac-daray dugsigii sare ee Sh. Cisman Nuur, ama EX-15 May, dugsigii sare ee Daaqa Qaranka, Dugsigii Agoomaha iyo Dugsigii Hoose ee Ex-Siyaad. Dugsiyadaa burbursan iyo kuwa shaqeeyaba, waxa ay ka siman yihiin dhul-boob ba’an oo saameeyay. Dhul-boobka oo beryahan dambe ahaa mushkilad ku baahday magaalada Burco, isla markaana lagu ololeeyay dhulkii bannaanaa iyo goobihii iyio dhismayaashii adeegga guud, waxa uu ugu horreyn gallaaftay oo mar hore lagu kala tegay garoomadii iskuuladu ay lahaayeen ee loogu tala-galay in Ardaydu ku ciyaaraan kubadda ama ay ku jimicsadaan, waxaana khatar la geliyay welina lagu hayaa dhismayaashii iskuullada laftooda. Tusaale ahaan; Dugsiga Sare ee Sh. Bashiir oo ahaa dugsi Boodhin iyo maalinle iskugu jira, kana kooban dhismayaal hurdo, laybareeriyo iyo fasalo tiro badan, waxa dib loo dhisay oo hadda shaqeeya 10-fasal, xafiis iyo qol loogu tala-galay shaybaadh (Laboratory), balse aan qalabaysnayn. Dugsiga intiisii kale, ayaa weli kharaabad ah, waxaana dunsan deyr weyn oo uu iskuulku lahaa. Dugsiga sare ee Sh. Bashiir oo dhinaca galbeed ka saaran jidka laamiga ah ee dhinaca Berbera uga baxa Burco, waxa uu ku jiraa go’doon, kadib markii barxad weyn oo u dhexaysay dugsiga iyo laamiga, halkaas oo ay baabuurtu u soo mari jirtay dugsiga ay degeen dad la moodo Qaxooti oo ka dhistay buulal yaryar. Waxa intaas dheer oo uu Haatuf u sheegay Maamulaha Dugsiga Sare ee Sh. Bashiir in mar horeba la seestay garoonkii dugsiga, isla markaana dhulkii u dhexeeyay garoonka iyo fasalada iskuulka laga dhigay xabaalo, kuwaas oo sanka ku haya fasalada. “Haddaad ku tidhaahdo, waar xabalaha ka daaya, waxay ku odhanayaan adiga ayaanu xabaalaha kugu ridaynaa,” ayuu yidhi Maamulaha Dugsiga Sh. Bashiir, Maxamed Jaamac Muuse. Maamulaha Sh. Bashiir, waxa kale oo uu sheegay in dadkaasi ay degeen ilaa gudaha iskuulka, waxana uu intaa ku daray in dadkaasi oo u badan dad da’ ah uu u arko dad meesha la keensaday oo lagu ilaashanayo ama lagu xallaalaysanayo dhulkaas. “Ilaa 4-jeer baanu guddiga nabadgelyadda gobolka waraaqo u qornay oo ka saxeexnay, inkastoo guddiga nabadgelyadda beddel ku dhacdhacay oo aysan hirgelin,” ayuu yidhi Maxamed Jaamac Muuse, Maamulaha dugsiga oo ka jawaabayay xidhiidh in ay la sameeyeen Maamulka degmada, si dadkaas looga raro dhulka iskuulka. Si la mid ah dugsiyada kale ee magaalada ay dadweynuhu ugu kaceen daba-qabatayntooda, ayaa dugsiga sare ee Sh. Bashiir-na koox dhallinyaro reer Burco ah oo hore uga aflaxday dugsigaasi, haatana ku dhaqan dibaduhu ay isku abaabuleen sidii ay deyr ugu wareejin lahaayeen dugsigaas. Hase yeeshee taasi ma fullin, waxaana uu sheegay maamulaha dugsigu in arrintaasi ay xanibtay dadkaas deggan iskuulka dhexdiisa iyo deyrkiisa. Maamulaha dugsigu waxa uu ka qaylo dhallaamiyay khatar caafimaad oo ay dadkaasi ku hayaan dugsiga; “Haddii roob da’o, waxa ka dhalanaya cuduro aan hore loo arag, haddii aan nalaga soo gaadhin dadkan,” ayuu yidhi Maamule Maxamed Jaamac. “Cudurradaas waxa keenaya nadaafad-darro iyo saxo-xumo ay dadkaasi ku hayaan iskuulka,” ayuu raaciyay. Dhibaatadan ku habsatay dugsiga sare ee Sh. Bashiir, ma aha ta ugu culus ama khatarta ugu weyn ee haysata iskuulada Burco. Hase yeeshee, dhibta noocan ahi waa mid guud oo badiba ay wadaagaan dugsiyada Burco. Dugsigii H/Dhexe ee Ex-Siyaad oo isaga aan dib-u-dhis lagu samayn, ayaa xaalad tan aad uga duwani soo waajahday. Dugsigan oo ku yaalla badhtamaha magaalada, una dhow suuqa dhexe ee magaalada, ayaa gudihiisa waxa deggan qoysas, hareerihiisana waxa ku xeeran meherado isugu jira bacadlayaal iyo ganacsi kale. Haddaba, dhawaan mar dhul-boobka Burco uu gaadhay heerkii ugu xummaa, ayaa ilo xog-ogaal ahi waxay sheegeen in koox bacadlayaal ahi ay qorsheeyeen in ay iskuulkaas u rogaan suuq bacadle ahoo ay ku ganacsadaan, iyaga oo iska ururiyay lacag ay kaga saaraan dadka deggan iskuulka, kuna dayactiraan. Waxa la sheegay in fikraddaas ay u gudbiyeen maamulladii hore ee Burco, lagana aqbalay. Warar kale, ayaa sheegaya in maamulka cusub ee Burco uu is-hortaagay hindisahaas. Dugsiyada H/Dhexe ee Qasabka iyo 21 November, ayaa iyagana dhawaan guddi waalidiin, macalimiin iyo waxgaradka Burco u kaceen qaadhaan ururis, kadibna ugu dhiseen dhul-boobka. Waxa iyaduna meesha ku jirta, masaafadda dugsiyada shaqeeya isu jiraan oo aad u kala fog, taas oo keenaysa in waalidiin badani aanay carruurtooda keenin. Qoraalo Is-Burinaya Oo Ka Soo Baxay Ururka Haweenka NOW Hargeysa (Haatuf): Ururka Horumarinta Haweenka iyo Carruurta ee lagu magacaabo “NOW,” ayaa maamulkiisii isbedel lagu sameeyay, waxaana loo magacaabay Guddi fulineed oo cusub oo hogaaminaysa ururkaas. Sidaana waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay shalay-na soo gaadhsiiyeen, xubno ururka ka tirsani. Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, waxay xubnaha ururku isugu yimaadeen shir lagaga wada-hadlay arrimaha ururkaas, waxaana sida warku sheegay laysla gartay in isbedel lagu sameeyo Maamulka ururka. Sidaa daraadeedna, sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, waxaa halkaas lagu magacaabay guddi cusub oo magacyadiisu kala yihiin: 1. Kaltuun C/laahi Cilmi – Guddoomiye, 2. Foosiya Maxamed Cabdi Jaambiir – G/Xigeen 3. Khadra Faarax Jire – Madaxa Waaxda Siyaasadda, 4. Ismahaan Yuusuf Cali – Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka 5. Faadumo Yuusuf – Madaxa Waaxda Arrimaha Bulshada 6. Sahra Yuusuf Cartan – Madaxa Waaxda Mashaariicda 7. Aamina Maxamed Rodol – Madaxa Waaxda Xidhiidhka Gobollada 8. Canab Suldaan C/raxmaan – Madaxa Waaxda Agoomaha 9. Maryan Cismaan Muxumed – Xubin. Dhinaca kale, isla shalay waxaa isna na soo gaadhay war-saxaafadeed kale oo lagu beeninayo Jiritaanka warkaa hore. War-saxaafadeedkaa beeninta ah oo ay ku saxeexnaayeen 20-xubnood oo haween ahina, wuxuu u qoraa sidan: “Anagoo ah ururka Horumarinta Haweenka iyo Carruurta ee NOW, kana kooban General Assembly iyo shaqaalaha xafiiska NOW, waxaan halkan ku caddaynaynaa in aanay waxba ka jirin warkaas u dhignaa sidan: 1. In ururku doortay Guddoomiye cusub iyo Ku-xigeen, waxaanu caddaynaynaa warkaasi yahay war beenna isla markaana uu joogo guddoomiyihii xaqa lagu doortay oo ah Aamina Maxamuud Diiriye, waxaa doortay General Assembly-ga, sida xeerka ururku dhigayo cid kale ma dooran karto, mana bedeli karto. Sidaa awgeed, shir aanu ka fadhiisanay markaanu arrintan maqalnay, waxaanu soo saarnay Go’aankan in xafiisku sidiisii yahay, waxna aan laga bedelin xubnaha General Assembly-ga. 1. Khadra Aw Xaashi 2. Safiya Maxamuud Xasan 3. Aamina Jiciir Cali 4. Shahmaad Xasan Ibraahim 5. Ugaaso Axmed Sh. Ismaaciil 6. Khadra Axmed Daarood 7. Faysa Xasan Awr 8. Farow Cali Gaas 9. Cibaado Aadan Yuusuf 10. Aamina Carab Xasan 11. Maryan Yuusuf Cumar 12. Hana Xasan Macalin 13. Nawaal Baashe Cali 14. Asli Ismaaciil Cali 15. Nimco Cali Aadan 16. Muna Maxamuud Cismaan 17. Faadumo Muxumed 18. Saynab Ibraahim Jaamac 19. Faadumo Cabdi X. Cali 20. Caasha Siciid Warsame “Cusbitaalku Wuu Iga Maarmi Karaa, Laakiin Anigaa Saar-Qaba” Marwo Edna Aadan Hargeysa (Haatuf): “Inta badan dhibaatooyinka aanu aragnaa waxay u badan yihiin hooyada, laakiin mar-mar waanu aragnaa caruur dhibaato ku dhalata, sida ilmo madax-weyn ama mid ay maskaxdu ka maqan tahay, waxa kale oo jira caruur lug qaloocan”, sidaa waxa tidhi marwo: Edna Aadan-dhakhtar oo ah wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta qoyska iyo arimaha bulshada, isla markaana ah gabadha bud-dhigtay cusbitaalka haweenka iyo dhalaanka ( Edna Hospital) ee magaalada Hargeysa, waxayna marwo: Edna hadalkaaa ka tidhi waraysi ay shalay xafiiskeeda ku yaal Xarunta cusbitaalka Edna ku siisay qaar ka tirsan saxaafadda wadaniga ah, iyadoo marwo: Edna wax laga waydiiyey arimo la xidhiidha xaaladda cusbitaalka iyo wasaaradda cusub ee dhowaan loo magacaabay, waxayna marwo: Edna sheegtay in cusbitaalka looga yimaado meelo ka baxsan Somaliland, meelahaas oo ay ka mid yihiin gobolada Somalida koonfureed iyo bariga Itoobiya. “Aad iyo aad bay dumarka dhalaya nafaqadoodu u liidataa ilaa intii aan weligay dumar ka dhalinayey maan arag dumar ka liita nafaqo ahaan dumarka aan hadda arko” ayey tidhi marwo Edna, laakiin marwo Edna mar la waydiiyey inay jirto cid ka caawisa hawlaha cusbitaalka waxay tidhi “Walaahay xataa dadka mushahaarooyinka qaataa hawshoodu inta badan waa taburuc waayo hawsha ay qabtaan iyo mushahaarada aanu siinaa ma aha wax isu dhigma, isla markaana way jiraan qaar aanaan mushahar siin oo nala shaqeeyaa, sida laba gabdhood oo Jarmal ah oo saddex maal-mood toddobaadkii nala shaqeeya, waxa kale oo, iyana jira laba dhakhtar oo uu mid Ruush yahay, midna uu Filibiini yahay, kuwaas oo ay qaramada midoobay mushahar siiyaan, laakiin qof-qof tabaruc ah mooyaane shaqaalaha inta kale waa Somaliland”. Cusbitaalka Edna waxa la furay kal hore, laakiin marwo: Edna waxay sheegtay in mudadii uu shaqaynayey lagu daweeyey ilaa 585 haween ah, kuwaas oo isugu jira qaar xanuuno laga daweeyey iyo qaar ku umulay. “Saaka ilaa labaataneeyo haween ah ayaa jiifa cusbitaalka, laakiin waxa soo maray ilaa 585 haween ah”, ayey tidhi Edna Aadan-dhakhtar, laakiin waxay intaa ku dartay “Ilaa 4 haween ah oo ka mid ah dumarka na soo maray ayaa geeriyooaday illaahay naxariistiisii janno ha ka waraabiyee, anaguna qofka naloo keeno meel kasta ha ka yimaadee waxaanu isku deynaa inaanu u dedaalo oo aanu intii karaan kayo ah u qabano wixii uu bini-aadan qaban karo”. Marwo Edna mar la waydiiyey meesha ay ku qabato hawshii wasaaradda cusub ee dhowaan loo magacaabay maadaama aanay weli xafiis yeellan waxay tidhi “ iminka halka aan fadhiyo (iyada oo tilmaamaysa xafiiska ay fadhiday oo ku yaal dhismaha cusbitaalka) waa xafiiskii wasaaradda horumarinta qoyska iyo arimaha bulshada, inan la yaal baan ahay oo cusbitaalka ayaan marti u ahay, markaa marka aan hawsha wasaaradda hayona xafiiskan ayaa fadhiistaa oo aan wax ku qaabilaa, cusbitaalkana isha ayaan ku hayaa”, laakiin marwo; Edna mar la waydiiyey inay ilaa hadda wax uga qabsoomeen hawlaha wasaaradda cusub ee loo magacaabay, waxay sheegtay inay ilaa hadda ku hawlan tahay macluumaad ururin la xidhiidha halka ay hawsha ka bilaabayso iyo baahiyaha jira ee ay ku salayn doonto hawl-qabadka wasaaradeeda. “Arbacadii waxaan u yeedhay madaxda ururada samafalka wadaniga ah ee Somaliland iyo dad aqoon yahano ah oo rag iyo dumar-ba leh, waxyaalaha aanu ka wada hadalnay ama iswaydiinayna waxa ka mid ah maxaa talo ku kordhinaysaan wasaaradda hawleheeda iyo dhibaatooyinka u baahan in wax laga qabto si aydaan hadhow ii odhan ina Aadan-dhakhtar maxay qabatay, dabadeedna dadkaasi guddi madax banaan bay sameeyeen, kuwaas oo noqonaya guddi la talisa wasaaradda” ayey tidhi marwo: Edna Aadan, iyadoo intaa ku dartay maalintaa ka dibna inay la kulantay dadka ajaanibka ah ee ka shaqeeya wadanka, “Waxaan maxaad diyaar u tihiin inaad ila qabataan” ayey ku tidhi Edna. Marwo Edna waxa kale oo ay sheegtay inay hadda ku gudo jirto diyaarinta barnaamij hawleedkii iyo siyaasaddii shaqo ee wasaaradeeda dhowaana ay hor dhigi doonto Madaxweynaha, iyadoo sheegtay in wasaaradeeda dhowaan loo samaynayo xafiis rasmi ah oo ay ku shaqayso, taas oo bay tidhi ay hawsheedu hadda socoto, laakiin marwo: Edna mar la waydiiyey sida ay isugu wadi karto hawsha cusbitaalka iyo hawsha wasaaradda waxay ku jawaabtay “Iminkaba marar badan baan ka tegey oo aan ka dhoofay bilona ka maqnaan jirey, dabadeedna waxaan u soo noqon jirey, isaga oo wanaagsan oo shaqaynaya, markaa wer-wer kama qabo wax u sii kordha mooyaane inay wax ka dhacayaan, waayo cusbitaalku maamul buu leeyahay oo maalintii cusbitaalka la furay ayaa la magacaabay guddi cusbitaalku leeyahay, taas oo aan ugu talo galay inaanu cusbitaalku noqon meel qof keliyi maamulo, laakiin anigaaba saar qaba oo waxaan qabaa saar cusbitaal la yidhaahdo, waayo cusbitaalku anigu wuu iga maarmaa ee aniga ayaan cusbitaalka ka maarmayn”. Marwo Edna Aadan-dhakhtar waxa kale oo la waydiiyey su’aal ahayd magaca wasaaradeeda waxa lagu saleeyey iyo cidda hindistay waxay tidhi “Horta wasaaradda arimaha bulshadu wadan kasta oo dunida ka mid ah way ka jirtaa ee inaga ayuun bay inaga maqnayd, laakiin magaca uu Madaxweynuhu u bixiyeyna koleyba baahi jirta ama uu dareemay ayuu ku saleeyey, ta kalena wasaarad kasta hawsha loo dirayo ayaa loogu magac daraa”, laakiin marwo: Edna waxa kale oo la waydiiyey inay, iyada lafteedu aaminsan tahay in xilka wasaaradeeda loo magacaabay uu yahay baahi jirta iyo inkale, waxayna ku jawaabtay “Iminkaba sownigan faraha kula jira ee ilaa maalintii aan imi ku dhex-jirey hawsha wasaaraddan loo magacaabay ee horumarinta qoyska iyo arimaha bulshada”. Marwo Edna Aadan-dhakhtar waxa lagu majeertaa inay tahay haweenay karti badan, waxayna magaalada Hargeysa ka taagtay mid ka mid ah cusbitaalada ugu casrisan mandaqadda aynu ku nool nahay, cusbitaalkaas oo lagu magacaabo Edna Maternity hospital waxa uu dhismihiisa ka kooban yahay saddex dabaq, wuxuuna ka mid yahay dharka dhisme ee magaalada Hargeysa joog iyo qurux-ba ugu hillaad dheer. Cusbitaalkaas oo ay marwo: Edna maamulkiisa guud oday ka ahayd tan iyo hawl-galay, laakiin dhawr toddobaad ka hor ayaa laga dhigay wasiirka wasaarad cusub oo uu Madaxweyne Rayaale ku kordhiyey tirada Wasaaradaha xukuumadiisa, sidaa darteed marwo: Edna Aadan-dhakhtar waxay hadda u xaam-xaamanaysaa hawsha labaad ee ku soo biirtay hawleheedii hore ee ay ugu waynayd hawsha cusbitaalku. Aqoon-Is-Weydaarsi Ka Furmay Burco Burco (Haatuf): Aqoon Iswaydaarsi socon doona muddo saddex maal-mood ah, lagagana doodayo dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda ka jira ayaa shalay ka furmay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, waxaana aqoon iswaydaarsigaa wada jir u soo qaban-qaabiyey hay’adda samafalka wadaniga ah ee CCS iyo hay’adda samafalka caalamiga ah ee CARE International. Aqoon iswaydaarsigaa waxa ka qayb qaadanaya ilaa soddoneeyo qof oo ka kala socda qaybaha bulshada, iydadoo uu maamulaha hay’adda samafalka wadaniga ah ee CCS, xafiiskeeda Burco, Ibraahin Ismaaciil Cismaan uu u sheegay weriyaha Haatuf ee Burco, Liibaan Maaweel Shire u sheegay in aqoon iswaydaarsigani la xidhiidho kor u qaadidda ururada bulshada, sida NGO-yada wadaniga ah, shirkadaha yar yar ee ganacsiga, bahda waxbarashada, maamulada heer degmo iyo heer gobol iyo dadweynaha laftiisaba, waxaana mudada uu aqoon iswaydaarsigaasi socdo ay ka qayb galayaashu kaga doodi doonaan qoddobo ku saabsan kor u qaadidda wacyiga dadweynaha iyo fallan-qaynta dhibaatooyinka bulsahada dhexdeeda ka dhaca. ODHAAHDA AKHRISTAHA Hala Ii Doorto Jagada Weliga SomalilandAnigoo ah muwaadin reer Somaliland ah, in badana waddanka ka maqnaa oo qurbo joog ahaa, waxaan iminka soo noqday iyada oo xilalkii oo dhan laysu wada sharaxay, hadday tahay madaxweyne, madaxweyne ku xigeen, suldaan, boqor, ugaas, nabadoon, caaqil, mayor, badhasaab iwm. Hadaba anigu waxaas oo dhan ma rabo, maadaama ay hore iiga buuxsantay oo layga horreeyay. Balse waxaan haddaba ummadda reer Togdheer iyo guud ahaanba reer Somaliland marti uga ahay inay ii dortaan xilkan cusub ee aan cid hore isu sharaxin, xilkaas oo ah “Weliga Somaliland”. Aniga oo ka baydhay jagooyinkaas hore, basle arkooday jagadan bannaan ee aan cidi igu haysan. Waxaan aad ugu rajo weynahay in jagadaas la ii dooran doono, aniga oo diyaar u ah ciddii weli imtixaan ka qaadi lahayd haddii la helayo. Saalax Siciid Cabdi, Burco. Dhakhso noogu soo dhaqaaq Mas’uuliyiintan Maamulka dambe magaaladayada weli shaydaanka kamay naarin, sida Hargeysa ay aqal-aqalka ugu mareen. Taas oo aan rabay inay annagana mar na soo dayaan, illayn gobolkaanu nahaye. Markaa waxaan leeyahay “Dhawaaqii soo baxiyo, Dhambaalkaan soo diraa, Miyaanu dhab kuugu iman, Ma dhexdaa loo taagn Yahay, Ma rag-baan dheef kaleba cunin, Dhankaaga ayaanu eegaynaa, Dhibaatana way jirtaa, Dhaqso oo noo soo dhaqaaq, Caddaalad dharaarta ka cad, Dad baanay dhankooda jirin, Ayaankaan dhawraynaa, Dhankooda ka oodan tahay, Midhaha dhuuxoo dhadhami, Ayaanay dhayal kaaga tegin. Dhankaagaanu eegaynaa, Dhaqso noogu soo dhaqaaq. Caasha Muuse, (Caasha Baar). WAADIGA CIYAARAHA Saleebaan Gurey Robinson Oo Noqday Goolhayaha Koowaad Ee Leeds Tabobaraha cusub ee Leeds United Terry Venables, ayaa wiilka dhallinta yar ee Paul Robinson u doortay inuu noqdo goolhayaha koowaad ee kooxda, isla markaana wuxuu intaa ku daray inaanu fasixi doonin goolhayaha labaad ee heerka qaran ah ee Nigel Martyn, kooxdana ku sii negaanayo. Paul Robinson, jagada loo doortay wuxu shaqadiisii ugu horraysay ku bilaabay kulankii furitaanka ciyaaraha Ingiriiska oo Leeds 3-0 kaga adkaatay Manchester City. Venables wuxuu awooda 22-jirka Robinson ogaaday kulamada heerka koowaadna u qoondeeyay, kadib markii uu horumar ka mujiyay kulamadii diyaar-garowga xilli-ciyaareedka oo uu wacdaro ka muujiyay, gaar ahaan kuwii ka dhacay Australia. Martyn, oo socdaalkaa ka hadhay, wuxuu naawilayay inuu ilaa 2 milyan oo gini ugu wareego kooxda Southampton. Hase yeeshee,l wuxuu rumaysan waayay dhinaca mushahaarka oo mid aad u liita lagu sheegay. Venables, wuxuu ku adkaysanayaa inaanu midna aqoon gaar ah u lahayn, sidaa darteedna aanu kala jeclaysan ciyaartoyga. Wuxuu Martyn kula taliyay inuu kooxda joogo, kaalintiisana uu ku dagaalamo. Venables, wuxuu tilmaamay sida aanu kooxna ugu oggolayn inay hubkiisa kula dagaal gasho, markay kulan iskaga hor yimaadaan. “Ma jiro goolhaye meel kale tegayaa. Qaarbaa doonaya inay nagula soo dagaalamaan mid ka mid ah labadayda goolhaye. Ma dhacayso labaduba halkan bay nala joogayaan,” ayuu yidhi Venables. Inkasta oo Venables qiray sidaan suurtogal u ahayn in kooxda lagu sii hayo qof aan ku calool samayn, haddana wuxuu muujiyay inaanay ciyaartoy kasta suurtogal u noqn karayn sidii isagu jecel Yahay. Sidaa darteed buu yidhi; maamul kasta waxaa la gudboon go’aan ka gaadhida arrimaha ciyaartoyga. Schalke 04 Oo La Heshiisay RodriguezBerlin (Reuters) – Kooxda heerka koowaad ee Germany Schalke 04 ayaa heshiis afar sannadood ah la gashay difaacyahanka Uruguay ee Dario Rodriguez, sidaan waxa daboolka ka qaaday Maamulka kooxda. 27-jirka hore ugu ciyaari jiray Montevideo oo hadda heshiis afar sannadood ah kula jiray naadiga Gelsen Kirchen, ayaa baabi’iyay heshiiskaa, sidaana fasax kaga qaaaty kooxda. Rodriguez, oo ka mid ahaa xulkii waddanka Uruguay uga qaybgalay koobka adduunka, waxaa lagu wadaa inuu koxdiisa cusub u safto marka ay la ciyaarayso Hertha Belin, oo ku beegan 25 August. Xulka Nayjeeriya Oo U Yeedhay Kanu Iyo Okacha Lagos (Reuters) – Xulka kubadda cagta ee Nayjeeriya ayaa u yeedhay ciyaartoyga Nwankwo Kanu iyo Austin Jay-jay Okocha, si ay ugu diyaar-garoobaan kulanka is-reeb-reebka qaramada Afrika ee 2004, oo bisha soo socota dhexmaraya Nayjeeriya iyo Angola. Labada ciyaartoy waxay ka mid yihiin xulka dib loo kabkabayo ee Nayjeeriya ee wareegii koowaad ee koobka addunka ku hadhay tartankii dhowaan ka dhacay Koonfurta Kuuriya iyo Japan, kaas oo Okocha kabtan ka ahaa. Ciyaartoyga Arsenal ee Kanu oo la dhakafaarsan dawakhaadii koobkii adduunka adduunka iyo dhaawacii gaadhay oo ka reebay kulankii ugu dambeeyay ee xulkiisu la yeeshay England. Okocha, oo hadda heshiis cusub la galay kooxda heerka koowaad ee Ingiriiska ah (Bolton Wenderers), waxaa u qorshaysnayd inaanu dib ugu ciyaarin Nyajeeriya kadib koobkii adduunka. Hase yeeshee, tabobaraha cusub ee la magacaabay Christian Chukwu ayaa ku wargeliyay Arbacadii dhoweyd in uu ugu jiro tirada ciyaartoyga uu khadka dhexe u qorsheeyay. “Weli waa adag Yahay, wuuna awoodi karaa inuu kooxda mar labaad u ciyaaro,” ayuu yidhi Chukwu. Ciyaartoyga lo doortay xulka Nayjeeriya oo ka kooban 18 qof, 15 ka mid ahi waxay safteen koobkii adduunka, waxaana ku jira weeraryahanka Jullius Aghahowa. Hase yeeshee, Chukwu wuxuu qiray inaan weli si rasmi ah loo soo xulin ragga safanaya kulanka ee kama-dambaysta ah. Sidaa darteedna 24 ciyaartoy oo loo xereeyay tabobar ciyaartoyga uga bilaabmaya magaalada waqooyiga ku taal ee Kano. Xulka Nayjeeriyana waa kuwan; GOALKEEPERS: Vincent Enyeama (Enyimba), Austin Ejide (Gabros), Sam Okoye (Rangers International) and Felix Levi (Bendel Insurance). DEFENDERS: Joseph Yobo (Everton FC), Isaac Okoronkwo (Shaktar Donetsk), Rabiu Afolabi (Standard Liege), Ifeanyi Udeze (PAOK Salonica), Patrick Ovie (Krylya Soveto) and Eric Ejiofor (Maccabi Haifa). MIDFIELDERS:Christopher Justice (Levski Sofia), Austin 'Jay-Jay' Okocha (Bolton), Duke Udi (Krylya Sovetov), James Obiorah (Lokomotiv Moscow) and Pius Ikedia (Groningen FC). FORWARDS: Benedict Akwuegbu (Shenyeng Gendi), Bartholomew Ogbeche (Paris Saint Germain), John Utaka (Lens), Nwankwo Kanu (Arsenal), Yakubu Aiyegbeni (Maccabi Haifa) Femi Opabunmi (Lyon) and Julius Aghahowa (Shaktar Donetsk). Di Livio Oo Ku Biiray Koox Derejo Hoose Ah Milan (Reuters) – Xiddigii hore ee xulka Talyaaniga Angelo Dlivio, kana mid ahaa xulkii Talyaaniga ee laba bilood kahor, ayaa doortay inuu u ciyaaro koox heerka afraad ah xilli-ciyaareedka soo socda. 36-jirka Dilivio, wuxuu heshiis laba sannadood ah la galay koox heerka afraad ah (serie c2), waana kooxda lagu magacaabo Fiorentina oo ku ciyaari jirtay magaca magaalada Florence. Ciyaartoygii hore ee Juventus, oo 40 kulan u saftay Talyaanigu wuxuu kabtan u ahaa kooxdii xijaabatay ee Fiorentina xilli-ciyaareedkii hore. Ciyaartoyga khadka dhexe, kooxda cusub ee isku meeleeyay wuxuu ka helayaa wax ka yar toban meelood oo meel lacagtii uu ka heli jiray ciyaaraha heerka koowaad. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in qaddarinta la siiyaa ay uga mudan tahay lacag badan oo u helo. “Maaha go’aan adag. Nolosha ayaa ka muhimsan lacagta.” Dilivio wuxuu sidaa u sheegay maalinlaha ciyaaraha ah ee ‘Corrieredella Sera’. Wuxuu intaa ku daray; “Ma doonayo inaan xusuusto kabtan-nimadii kooxda haligantay markii ay ku kacday dabaysha dhaqaale-xumo. Florence waxay ii muujisay siday ay ii danaynayso, taasina waa sababta aan ula daadegay.” Dilivio, wuxuu hore ugu soo ciyaaray koox heerka Serie C2 ah muddo ah sannad, kooxdaas oo ahayd Perugia ayaa kor u soo dalacsiiyay sannadkii 1988, kahor intii aanu u kala dabqaadin Podava iyo Juventus. Mudadii uu la joogay Juventus, wuxuu la qaaday saddex horyaalka Talyaaniga ah iyo koobka horyaalka Yurub oo ah sannadkii 1996. Kulankii ugu dambeeyay ee Dilivio saftay wuxuu ahaa kii uu beddalka ku soo galay Talyaaniga, taas oo Korea kaga badisay goolka dahabiga ah (golden goal) wareegii labaad ee koobka adduunka. Kulanka ugu soo horeeya wuxuu safanayaa kowda September oo ay wada yeelanayaan Forli oo ah heerka afraad ama Serie C2, oo ay ku wada jiraan qaybta ‘B’. |