Haatuf, Cadadki 14, Aug. 20, 2002

Umulisooyin Reer

Sool Ah Oo Tababar U Xidhmay

 

Hargeysa (Haatuf): Tababar caafimaad oo ku saabsan barashada xirfadda umulinta oo muddo laba toddobaad ah cusbataalka Edna ee magaalada Hargeysa uga socdey shan ka mid ah haweenka umulisooyinka ah ee gobolka Sool ayaa shalay la soo gebagebeeyey, iyadoo ay tababarkaa meel-marintiisa iska kaashadeen hayadda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka caruurta ee UNICEF iyo cusbataalka Edna ee haweenka iyo dhalaanka.

Wasiirka Wasaaradda dhawaan la sameeyey ee horumarinta qoyska iyo arrimaha bulshada, marwo: Edna Aadan-dhakhtar oo xafladii xidhitaanka tababarkaa ka hadashay ayaa farta ku fiiqday culayska ay leedahay hawsha umullintu, waxayna xustay in hawshaa lagaga bixi karo oo keliya shaqo adag iyo dedaal dheeraad ah oo loogu dhabar-adaygo fulinteeda, iyadoo marwo Edna haweenka umulisooyinka ah ee uu tababarku u dhamaaday kula dar-daarantay in aqoonta ay korodhsadeen ay wax kaga taraan goobihii ay ka yimaadeen.

Haweenka tababarku u xudhmay ee Reer-Sool waxa uu cusbataalka Edna gudoonsiiyey qalab fudud oo caafimaadka ah, taas oo lagu tilmaamay in loo siiyey baal-marin aya ku mutaysteen dedaal ay haweenkaasi muujiyeen mudadii uu tababarku u socdey, waxayna taasi ahayd hadiyad u gaar ah cusbataalka Edna hospital oo aanay la wadaagin hayadda UNICEF ee tababarkaa wax ka fulisay. Sidoo kale madaxa qaybta caafimaadka ee hayadda UNICEF, xafiiskeeda Hargeysa, Cawil Xaaji Cali ayaa isna halkaa ka hadlay, isaga tilmaamo ka bixiyey faa’iidada uu tababarkaasi u leeyahay haweenka ka qayb qaatay iyo bulshada ku dhaqan degaamada ay ka yimaadeen.

Ugu dambayna Wasiirka horumarinta qoyska iyo arrimaha bulshada Somaliland, marwo: Edna Aadan-dhakhtar ayaa haweenka tababarka dhamaystay gudoonsiisay shahadooyin la xidhiidha aqoontii ay barteen.

Tababarkani waa kii saddexaad ee ay hayadda UNICEF u fidiso haweenka umulisooyinka ah, iyadoo ay UNICEF laba tababar oo noocan oo kale ah hore ugu fidisay umulisooyin ka kala tirsan labada gobol ee Tog-dheer iyo Hargeysa.

Siyaasiyiinta ASAD Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Ololaha UDUB Iyo Qadiyadda Gobolka Sool

“Caqligii laas-caanood lagu tegi lahaa waxa lagu basaasaa  afar calan-cas la yidhaahdo oo aan ka mid ahay”,Maxamed Kaahin.

Hargeysa (Haatuf):  Siyaasiyiinta Isbahaysiga Badbaadinta iyo Dimoqraadiyadda ee Somaliland (Alliance for Salvation And Democracy) “ASAD” ayaa si ba’an ugu cambaareeyey xukuumadda ololaha ururkeeda UDUB uu dib u cusboonaysiiyey iyo arrinta gobolka Sool.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa saraakiishii ugu horreeyey ee Itoobiya ka aasaasay garabkii Milateri ee SNM iyo Fu’aad Aadan Cadde, guddoomiye kuxigeenka labaad ee Ururkaas ayaa khudbado dhaadheer oo ay shalay ka jeediyeen gabagebada shirweynaha koowaad ee ASAD oo saddex maalmood ka socdey guriga shaqaalaha ee Hargeysa waxa ay kaga hadleen ururka Xukuumadda ee UDUB iyo dayaca maamul ee gobolka Sool, iyaga oo sheegay in xukuumaddu ay ka gaabisay in ay maamulka gaadhsiiso gobolka Sool, madaxweyne Rayaalena uu ka caga-jiidayo in uu tago Laascaanood oo uu hore u ballanqaaday. Sidoo kalena ururka xukuumadda ee UDUB ayay ku tilmaameen mid aan waxba kaga duwanayn xisbigii Siyaad Barre ee la odhan jirey Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS).

Dhaleecaynahaasi waxa ay dabada ku hayaan shir Sabtidii toddobaadkan uu Ururka UDUB dib ugu cusboonaysiiyey ololihiisa, kaas oo uu Madaxweyne Rayaale iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Yaasiin markii u horreysey ay daboolka kaga qaadeen inay u sharraxan yihiin Ururka. Isla markaana wuxu ahaa markii u horreysey ee uu ururku soo cusboonaysiiyo dhaqdhaqaaqiisa tan iyo markii uu geeryoodey Guddoomiyihiisii hore Marxuum Maxamed I.Cigaal. Iyo warar toddobaadkan la isla dhexmarayey oo sheegaya in Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Col.Cabdillaahi Yuusuf uu booqasho ku imanayo Laacaanood, halkaana looga diyaar garoobayo.

“Waxaad mooddaa in aynu nahay maalin kasta ummad dhalata oo aan shalayto jirin oo aan dorraato jirin oo aan tii ka horreysey jirin,” sidaa waxa yidhi Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayey dhigaal la’aanta taariikheed ee bulshada iyo dhibaatooyinkii maamulka iyo asxaabtii sida qalloocan u abuurmay ay ku reebeen dadka iyo dalka.

“Waayo, maanta ayaynu yagleel cusub, xisbi cusub, doorasho cusub, dowlad cusub ayaynu raadinaynaa,” ayuu raaciyey.

Maxamed Kaahin waxa uu ka warramay marxaladihii dadku soo maray tan iyo 1960-kii markii xorriyadda uu ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska, isaga oo sheegay in hoggaanka iyo hannaanka  Siyaasadeed ee Somaliland uu u weecsan yahay sidii uu u qalloocday 40 sannadood ka hor. Waxa uu sheegay in asxaabtii Somaliland ka aasaasantay waqtigii gobanimo-doonku ay ahaayeen kuwo ku dhismay hannaan musuq-maasuq iyo qabyaalad ku salaysan, wax taariikh iyo aasaas ummadnimo ahna aanay ka tegin. Waxa kale oo uu xusay Xisbigii Hantiwadaagga ahaa Siyaad Barre samaystay waqtigiisii, kaas oo uu sheegay in mabaa’didiisu ahayd in aan “Illaah iyo Rasuul toonna jirin”.

“Xukuummaddeenna maanta joogtana Shuucigii noocaas ahaa baa lagu wadaa,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin. Waxana uu intaas ku daray oo uu sheegay in dadka Ururka ASAD ay ku faani karaan in ururku yahay mid bulsho oo aan lahayn ayuu yidhi “khasnado Baanka Somaliland laga soo saaro sida ururka UDUB oo kale”.

Maxamed Kaahin waxa uu tusaale fiican u soo qaatay shirkii Sabtidii ururka UDUB kaga dhawaaqay ololihiisa doorashada waxa uu yidhi; “Maantana halkii hore ayaynu dib ugu noqonayoo xisbiyo UDUB la yidhaahdo oo aasaaskoodu yahay X.H.K.S ayaa soo baxay. Dorraad (Sabtidii) markaynu shirka furanay ayuu isna shir furtay. Wax allaale wixii gaadhi ay dowladdu lahayd ee (Lambarka) GT ku qornayd ‘U codee UDUB’ ayaa ku qoran”.

“Ma UDUB baa leh?” ayuu is-weydiiyey Muj. Maxamed Kaahin. Waxa uu sheegay in ay tahay in lala socdo waxa dunida hareeraheenna ah ka dhacay, isaga oo tiriyey waddamo badan oo Afrikaan ah oo shaqaaqooyin ka aloosan yihiin, isaga oo ku taliyey in dhacdooyinka dalalkaas iyo waayo-aragnimada xun ee Somaliland ka soo martay Asxaabta iyo xisbi kelitalis ah wax lagu qaato, lagana fogaado.

“Doorashaa la isku boobay, kursi dowladeed ayaa ummaddii lagu boobay ummadda intii kalena way u qudhqudhsami weydey,” ayuu yidhi isaga oo sharraxaya sida shaqaaqooyinka Afrika baabi’iyey u abuurmaan.

“Anigu waan ka xishoon lahaa haddii aan Madaxweyne ahay ama Wasiir ahay oo aan gaadhigii Ummadda wato oo haddana halkaa dheegga ay igaga qoran tahay ‘U Codee UDUB’. Ninka aan ka xishoonayni isagay jirtaa,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin. Waxana uu intaa ku daray in taas aanay cidina ka xumayn laakiin ay tahay taariikh-xumo.

“Qaranka wax taariikh u noqda mooyaane wax taariikh xumo ku keena yaan la samayn,” ayuu kula dardaarmay Maxamed Kaahin Ergada.

Dhinaca kale, Maxamed Kaahin waxa uu ku tilmaamay mid aan lahayn sabab la garawsan karin in maamulka Somaliland uu gaadhi kari waayey gobolka Sool tan iyo 1993-kii markii Boorame lagu soo dhisay dowladda hadda talada haysa.

“Gidaarka Baarliin ee aan la dhaafi karin ee Laascaanood inaga hortaagani wa’ayo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin. Waxana uu sheegay in bilowgii sannadkan isaga iyo odayaal la socda oo Burco ka tegey ay gaadheen Laascaanood iyo Buuhoodle, isla markaana cid soo dhoweysa mooyaane aanay arag cid is-hortaagta, annagoo weliba sii marnay ayuu yidhi 30 tuulo oo deegaankaas ah.

Waxa uu ku cambaareeyey dowladda in ay hagratay gobolkaas, dedaalkii, dhaqaalihii iyo tamartii ay Sool ku gaadhi lahayd-na ay u ku bixisay meelo soke.

“Caqligii Laascaanood lagu tegi lahaa, caqligii Somaliland lagu midayn lahaa, dhaqaalihii Nabadgelyada Somaliland lagaga shaqayn lahaa Afar Calan-cas la yidhaahdo oo aan anigu ka mid ahay ayaa lagu basaasaa oo been lagaga sheegaa,” ayuu yidhi. Waxana uu raaciyey oo yidhi “Taariikhna noqon mayso, siyaasad dowladeedna noqon mayso”.

Maxamed Kaahin isaga oo ka hadlaya imaatinka Col.Cabdillaahi Yuusuf ee laga filayo Laascaanood, waxa uu sheegay in ragga ay is-hayaan aanu meelba kaga jirin. Waxa uu sheegay in uu isagu ka nool yahay Shantii nin ee ugu horreeyey ee SNM ugu tallaaba Itoobiya 1981kii. Isla markaana sida uu hadda Cabdillaahi Yuusuf uu u damaaciyey gobolka Sool ee Somaliland uu waqtigaana isugu deyey inuu SNM-ta oo markaa unkamaysa uu ku darsado ururkiisii xoogga weynaa ee SSDF, laakiin tiradii yarayd ee SNM ay qaadan waayeen damaciisa ayna diideen inay ku biiraan. Waxa uu sheegay in SSDF oo markaa lahayd laxaad dhaqaale, ciidan, saanad iyo taageero dibadeedba ay ka libaysatay SNM oo uu aad u quudhsanayey, waxana uu sheegay in waqtigaas ay kala sed-qaadeen isaga iyo Col.Cabdillaahi.

Maxamed Kaahin waxa uu ku guubaabiyey dowladda in ay maamulka gaadhsiiso goboladaas, iyaguna ay ku bogaadinayaan waxa ay qabato.

Guddoomiye-kuxigeenka labaad ee Ururka ASAD Fu’aad Aadan Cadde oo soo horkacay ergadii gobolka Sool ee ka qaybgashay shirweynaha ASAD ayaa ka warbixiyey xaaladda Laascaanood iyo waxa uu ururkoodu ka qabsaday. Waxa uu sheegay in ururkoodu uu xafiis ka furtay, dad aad u badanina ay iska diiwaangeliyeen.

Waxa uu sheegay in magaalada Laascaanood dadweynuhu ay aad u taageersan yihiin Somaliland, laakiin ay la’yihiin.

Fu’aad waxa uu ka warramay in magaaladaas aad looga sugayey Madaxweyne Rayaale oo hore u ballanqaaday in uu halkaa tegayo, maamulkana gaadhsiin doono. Waxana uu intaas ku daray in uu laftiisu aad ugu dhiirrigeliyey inuu booqdo Laascaanood, laakiin Madaxweyne Rayaale uu muujiyey caga-jiid.

“Anagu Maalin baannu la kulanay (Rayaale) anagoo afar nin ah, waxaan ku idhi ‘waar waadigii Itoobiya tegaye ma xabashidaa ku bajisay, maxaa kuu diidey inaad Laascaanod tagto? Markii hore sidaad ugu dhiirdhiiranayd iyo hadda waa kala jaade," ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.

“Waxaannu ugu soo sinnay xitaa ha lagu dilee tag waddan baad samaynaysaaye,” ayuu raaciyey Fu’aad. Waxana uu sheegay in Somaliland looga diyaar yahay Gobolka.

Waxa kale oo uu xusay in mar kale uu isagu arrintaa kala hadlay Madaxweyne Rayaale oo ay isugu yimaaddeen Aaskii Marxuum Sh.Yuusuf Sh.Cali Madar toddobaad ka hor.

“Waxaan ku idhi adigoo intaa wata (Ilaaladiisa) Laascaanood tag, aad aragtid inaynu dowlad nahay oo Somaliland dhaqaaqdaye” ayuu yidhi Fu’aad, waxana uu raaciyey; “Ictiraafkana Laascaanood iyo Badhan baa inaga hortaaganoo inagaa isu haynee aan tagno”.

Fu’aad waxa uu sheegay in Madaxweynihii geeryoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Cigaal uu dhawr goor wax ka weydiiyey sababta ay reer Somaliland isu waayeen. Waxa aan uga sheekeeyey ayuu yidhi in berigii Dhulbahante jabay ee Seyid Maxamed meeshii ay ku baxsadeen ee ay ku badbaadeen ay ahayd Waqooyi. Sidoo kale,1991-kii markii ay duntey dowladdii Siyaad Barre ee colaaduhu ka qaxeen koonfur dadka beesha Sool ay yimaaddeen Somaliland, isaga oo sheegay inay taa markhaati ka yihiin Garaad Cabdiqani iyo Garaad Saleebaan oo labaduba wadahadaladii Burco joogey.

“Waxaa la sugayaa inaynu Laascaanood tagno,” ayuu yidhi.

“Haddii dowladdu tegi weydo ASAD baa laga sugayaan, ASAD baana tegaya,” ayuu raaciyey. Waxa uu xusay Fu’aad Aadan Cadde inay Laascaanood joogaan niman sheegtay Puntland, laakiin waxa looga yaqaannaa ayuu yidhi “Budley”. Kuwaas oo uu sheegay inay ku shaqaystaan dumar iyo caruur.

Madaxtooyada Somaliland Oo Cambaaraysay C/Qaasin

Hargeysa (Haatuf): Madxtooyada Somaliland ayaa jawaab ka bixisay khudbad uu Cabdiqaasim u jeediyay baarlamaankiisa horaantii todobaadkan,oo uu ku sheegay in weftigii uu hogaaminayay Dr,Xuseen Bood ee dhawaan socdaalka ku yimi Hargaysa,uu ahaa mid uu isagu soo diray ,isla markaana ay guul ka keeneen  socdaalkoodii Somaliland,taasna waxay madaxtooyadu ku tilmaantay mid been abuur ah.sidaana waxa lagu cadeeyay war-saxaafadeed uu shalay na soo gaadhsiiyay Afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale.

Madaxtooyadu waxay war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in weftigii xamar ka yimi uu ahaa mid madax banaan oo aan ka soconin Cabdi-qaasim iyo maamulkiisa.war-saxaafadeedkaas madaxtooyaduna wuxuu u qornaa sidan;

Sida ay sheegayso iidhehda loogu faafiyay wargayska war-jire, wuxuu cabdi qaasim isaga oo aan xitaa xaafad xamar ka mid ah maamul u samayn karin, dunidana u sheegay inuu ciidan u baahan yahay, ayuu haddana si uu Somaliland been uga fidiyo magac ka dhiganayaa Odayaal ayaa Hargaysa tegay oo war iiga keenay.

Odayaasha Cabdi-qaasim uu ka dhigayo Ergada uu soo diray, isagoo is burinaya wuxuu weriyaha BBC-da ee Muqdisho oo joogay goobta uu ka hadlay uu ka soo weriyay inuu yidhi, odayaal iskood isu xilqaamay ayay ahaayeen. odayaasha uu sheegayo oo ka mid ahaa raggii tacsidii marxuumka(madax-waynihii hore) u yimi Hargaysa, fariin ayay Hargaysa uga qaadeen Beelahooda,jawaab-na way ka soo celiyeen,iyagaana iyagoo xamar jooga idaacada BBC-da uu Bood uga sheegay sidaas.sidaa awgeed ayaanay u qarsoonayn inay ahaayeen Odayaashu qaar aan isaga(Cabdi-qaasim)ka soconin .wixii ay odayaashu halkan ka yidhaahdeena may qarsoonayn.

Maaha markii u horaysay ee Cabdi-qaasim iyo inta kooxdiisa ahiba ay Somaliland been ka sheegisteeda geed sare iyo mid hoose-ba u fuuleen, si ay u mijo-xaabiyaan qaranimada Somaliland, halkay iyagu tooda kaga mashquuli lahaayeen.waxa kale oo ay uga dan leeyihiin inay ku daboolaan hawshooda ay qabsan kari waayeen.waxa se ka maqan in caalamku maanta og-yahay xaqiiqada Somaliland ka jirta oo ah inuu dalkani yahay qaran jira, oo dawladiisa leh, kalsoonida shacbigiisana haysta, kooxda Carta iyo waxa la hal-maalaana ay dunida been ka iibinayaan,taasina waa mid maanta isa soo gurtay,oo waa taas  mar kale la hindisayo in Kenya wax lagu soo dhiso.

Hadii aanuu Cabdi-qaasim weli ka baraarugin mala-awaalkii jinni-boqorka ahaa ee uu beenta isugu cumaamaday inuu kursigii Siyaad Barre dhaxlay, waxaanu xusuusinaynaa koonfuri inay ahayd soomaalidii talyaanigu u talin jiray, Somaliland-na ay ahayd maxmiyadii Ingiriisku xukumi jiray, ee wax gobanimo qaata soomaali ugu horaysay (26-junne-1960). Isla-markaana rabitaankii shacbigan ee riyadii soomaali wayn awgeed ay koonfurta ugu qasbeen midnimada, dadaal qadhaadh kadibna ay 19991-kii dib ula soo noqdeen xornimadoodii, taas oo aan ka noqosho iyo gor-gortan toona lahayn, laguna sii dhaabay aftidii distoorka ee kal hore 97% ay dadku ugu codeeyeen, maantana maamulkiisu uu ku dhisan yahay.

Hadaba, waxaanu Cabdi-qaasim kula talin lahayn, in aanuu shacbigiisa been ka iibinin,ee hadii uu wax tarayo uu xitaa degmo ka mid ah Muqdisho oo keli ah uu maamul ka dhiso.hana ka waantoobo inuu shacbiga Somaliland ku soo kiciyo xanuunkii koonfur ka gaadhay ee uu is-ilaw-siinayo.”              

Xidhitaanka Shirweynihii ASAD Iyo Doorashadii Xubnaha Golaha Dhexe

Hargeysa (Haatuf): Shirweynihii koowaad ee isbahaysiga Asad oo soconayay mudo saddex maalmood ah ayaa shalay si rasmi ah loogu soo gabogabeeyay hoolka shirarka ee xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa.

Ergada shirweynaha Asad ee shalay fadhiday shirka oo tiradoodu gaadhaysay 322 Xubnood, waxa laga soo dhex doortay 95 xubnood oo noqonaaya xubnaha Golaha dhexe ee ururka Asad.

Waxaanay argadii shirka fadhiday si buuxda isugu raacday meel marinta anisixinta gudida fulinta ee ururka.

C/laahi Xasan (C/laahi San-dheere) oo gudoomiye u ahaa gudi 11 xubnood ka koobnaa oo shirweynuhu hore ugu xil saaray in ay soo xulaan xubnaha Golaha dhexe ayaa sharaxaad ka bixiyay hawshaa loo xil saaray oo uu ku tilmaamay in ay ahay mid adag balse ay u fududeeyeen ergada shirweynaha oo is xilqaan samaysay. C/laahi San-dheere wuxuu intaa ku daray oo uu sheegay in tirada golaha dhexe ee ururuka Asad ay ka kala yimaadeen qaybaha bulshada, “ Tiradda guud ee Golaha dhexe ee ururka Asad waa Shan iyo Sagaashan qof (95), lix ka mid ahi waa haween, lixna waxa aan ka dhignay kayd, inta kalena waa rag laga soo dhex xulay ergadda shirweynaha.” Ayuu yidhi C/laahi.

Gudoomiyihii shir gudoonka shirweynaha Asad Siciid Maxamed Nuur oo shalay shirka Xidhay ayaa erayo mahad naq ah isna u jeediyay dhamaanba ergadii shirweynaha ka qayb gashay, waxaanu Siciid Maxamed Nuur oo ka mid ah xubnaha loo doorday Golaha dhexe ee ururku kula taliyay taageerayaasha ururka in ay u guntadaan sidii ay u gaadhsiinlahaayeen ururka himiladii loo aasaasay, Siciid wuxuu qiray in aanu ururku wax dhaqaala ah haysan sidaa dardeedna taageero uga baahanyahay xubin kasta oo ka mid ah. Siciid wuxuu si weyn dhaliil ugu jeediyay ururka UDUB, kaa soo xubno kale oo siyaaasiyiin ahina ay ka dhaliileen isla madashaa shirweynaha, waxaanay Siciid iyo xubnaha kaleba ku dhaliileen ururka UDUB inuu ololaha doorashada u isticmaalo lacagta ummadda, maadaama uu ururku yahay mid ay xukuumadu ku dhantahay,

 “ururkeena dhaqaalihiisu waxa uu ku xidhanyahay Shacbiga, oo inagu ma nihin sida ururka UDUB oo lagu kharashgareeyo cashuurta laga qaado habarta xaabada soo gurta ama dhuxusha soo iib gaysa.” ayuu yidhi Siciid Maxamed Nuur, waxaanu intaa ku daray in ay xukuumadu hawlaha ururkeeda UDUB u isticmaasho gaadiidka iyo shidaalka dawladda halkii ayuu yidhi hantidaa wax lagaga qaban lahaa adeegyadda aasaasiga ah ee bulshada, sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha” wuxuu xusay in lacagta cashuurta ah ee dadka laga qaado haddii la isku  dhiso oo siyaasad lagu bixiyo ay noqonayso mid xaaraan ah.

Siciid Maxamed Nuur isgoo ka hadlaaya sida ururkooda dhaqaale loogu heli karaayo wax uu u sheegay ka qaybgalayaashii shirka in ay sida kaliya ee dhaqaale loogu heli karaa ay tahay iyada oo xubin kastaaba bixiso wixii karraankeeda ah, haday yihiin taageerayaasha dibadda jooga iyo hadii ay yihiin tageerayaasha gudaha joogaba.

“Agaasimuhu Wuxuu U Muuqdaa Nin Aan Wax Kala Socon Sida Shaqada Loo Qabto”

Badhasaabka G. Saaxil

 

Berbera (Haatuf):Badhasaabka gobolka saaxil, Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-gadhweyne), isla markaana ah maayarka Berbera ayaa jawaab ka bixiyey walaac ay dhawaan masuuliyiinta Wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland ka muujiyeen hawl-gal uu maamulka Berbera damacsan yahay inuu ku sumeeyo waraabe ay sheegeen inuu hororoobay oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid halis ku haya dadka iyo xoolaha ku dhaqan degaamada xeebaha gobolka saaxil.

War-saxaafadeed uu maayarka Berbera, Xasan-gadhweyne soo saaray shalay waxa uu ku sheegay inaanay arintu ahayn sida ay uga hadleen Madaxda Wasaaradda xanaanada xooluhu, laakiin tahay si ka duwan.

Badhasaabka saaxil, Xasan Xaaji Maxamuud waxa uu daba socdey agaasimaha guud ee Wasaaradda xanaanada xoolaha, Maxamuud Cali Giir oo dhawaan waraysi uu wargeyska Haatuf siiyey tafaasiil kaga bixiyey sida ugu haboon ee loo maamuli karo hawsha sumaynta waraabaha, taas oo uu tilmaamay in hawsha noocaas oo kale ah ay lagama maar-maan tahay inay gacanta ku qabtaan dad aqoon u lihi si looga feejignaado halista ka iman karta hadii si qaldan loo isticmaalo suntaa.

War-saxaafadeedka uu Xasan-gadhweyne soo saarayna waxa uu isaga oo faah-faahsan u dhignaa sidan:

“ Tixraac cadadkii 137aad ee wargeyska Haatuf, kuna taariikhaysnaa 14. 8. 2002, warkaas oo ku saabsanaa qorshe uu maamulka gobolka saaxil isugu diyaarinayo inuu ku sumeeyo waraabaaha hororoobay oo dhibaato weyn ku haya xoola-dhaqatada degaamada gobolka saaxil qaarkood.

Hadaba arintaa waxa ka hadlay agaasimaha guud ee Wasaaradda xanaanada xoolaha, Maxamuud Cali Giir oo tilmaamay in loo baahan yahay inay hawshaa fuliyaan dhakhaatiir aqoon u leh, isla markaana lala kaashado Wasaaradda xanaanada xoolaha, laakiin run ahaantii hadalka agaasimuhu wuxuu u muuqday inaanu wax badan kala socon sida ay  u dhacdo shaqadaasi, waxaanuna agaasimaha guud iyo cidii kale ee uu arintaa mugdi kaga jiroba u cadaynaynaa inay mar walba hawsha sumaynta maamulka gobolka kala hawl galaan dhakhaatiir iyo aqoon yahano ku xeel-dheer hawshaa oo ka socda hayadaha ku shaqada leh oo ay ugu horayso Wasaaradda xanaanada xoolaha, iyadoo ay masuuliyiinta gobolkuna ay hawshaa si joogto ah ugala tashadaan.

Tusaale ahaan sannadkii 2000 oo la sumeeyey waraabe hororoobay oo dadka iyo xoolaha halis weyn ku hayey waxa qorshaha iyo diyaarinta barnaamijka iska lahaa maamulka gobolka, balse fulinta shaqada sumaynta iyo farsamadeeduba waxay gacanta ugu jirtay dhakhaatiir ka socotey Wasaaradda xanaanada xoolaha , mana ay jirin waxyaalo degaamadaa ku dhacday oo ay suntaasi sababtay. Sidoo kale Ey-da oo mudooyinkan dambe aad ugu badatay gudaha magaalada Berbera ayaa, iyagana dhawaan la sumeeyey si ay u yaraato halista ay Ey-daasi geysan karaan, waxaana sumaynta Ey-daa sidii caadiga ahayd ugu hawl-galay hayadahaa aan soo sheegay, mana aha wax si gaar ah la isaga maamusho” ayuu Xasan-gadhweyne ku soo gebagebeeyey Qoraalka war-saxaafadeedkiisa.

Xaaji Cabdi Waraabe oo Burco Tegey

 

Burco (Haatuf): Odayga caanka Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah duub-cadda u talisa aqalka Guurtida Somaliland ayaa shalay socdaal ku tegey magaalada Burco, wuxuuna ujeedada socdaalkiisa Burco ku tilmaamay mid arimo gaar ah .

“Halkan waxaanu u nimi hawl reer, raggan ila socdaana kama tirsan golayaasha Qaranka” ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe, isaga oo ujeedada socdaalkiisa u iftiiminaya Weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel Shire, wuxuuna Xaajigu sheegay inay, isaga iyo ragga la socdaa magaalada Burco joogayaan ilaa laba maal-mood, laakiin waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “ waxa laga yaabaa in inta aanu joogno ay halkan (Burco) noogu yimaadaan wefti ballaadhan oo Golaha Guurtida ah, kuwaas oo u gud-baya gobolada Sool iyo Sanaag”, isaga oo Xaajigu tibaaxay inuu filayo inuu ka mid noqdo xubnaha wufuudda Golaha guurtida ee u biximaya gobolada bari, laakiin Xaajiga mar la waydiiyey inay ujeedada weftiga Guurtida ee uu sheegay inay gobolka Sool tegayaan tahay sidii ay ugu googol xaadhi lahaayeen Socdaalka la hadal hayo inuu Madaxweyne Rayaale ku tagi doono gobol Sool waxa uu Xaajigu ku jawaabay “ gobolada dalka oo dhan ayaa goluhu u kala ambabaxayaa, gobolka Sool-na arintaa (gogol-xaadhka M/weynaha) iyo arimo kaleba way ku jirtaa qorshaha in loo tago gobolka Sool”.

RAADYOW MA QALOOCSHE

A. A. Garas

 

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegeysataan mawjadka iyo mawjadda kala gaaban ee midna qiyaasteedu tahay Shanta Kiiloo kaftan iyo qosolka meega heertis. Dhegeystayaashayada Dhakada sallaxanow warka dabadii waxaannu maanta dam’ta idinkaga saari doonaa gabay jujuub geedkaa le’eg iyo maahmaahyo sanco cusub ah oo qaar tumaali ahi ku jiraan. Laakiin marka hore waxaanu idiinku deeqaynaa  warkii dunida, waakan saaxiibkay Kalluun-didiye Ina Badfuuqsade oo idinku gadh-qabtaa.

Warkii oo Didmo-maaggan

Ururrada Siyaasadda guudka u feedhay ayaa ayaamahanba bulbusha iskaga xiirayey ra’iisle ku yaalla ceelkan Herergeysa, shirar lagu gorfeynayey habka iyo hannaanka laacdanka foodka ayaa islaamaha goobahaa ka soo warramay waxay sheegeen in laga shawrayey naqaysiga ahminka ururka.

Ururradaas oo sumadoodu kala yihiin; Libaax Bul-bulle, Udubka dheer iyo Gacanta-ii-dhiib, kulamo ay xaawaley iyo xinniinyoole ragba u dhan yihiin ayaa urur waliba is-baadh-baadhay oo ku soo xulay Summalka iyo Summal-ku-xigeenka ururka. Ururka Salaan-la-yuurur ayaa kolaygiisa ka naqaystay Marduuf daray ah, waxaanay summalka ururka u doorteen oday aan jadiid ahayn oo Siilaanyo lagu naanayso ahaana baarqab hore xilligii geelu oogada u baxay ee Itoobiya Esta lagu horay. Sidoo kale, waxa ururkaa Summal-ku-xigeen loo xiniinya-reebay oday isna Qaraamigii hore ka mid ahaa  oo Fagadhle la yidhaa oo ilaa Qarnigii Jacaylka soo joogey. Haweenay ayaa iyana ka mid ahayd alaabooyinka cusub ee shirkaa lagu naqaystay.

Ururkaas oo gobanimada gacan-qaad u samaystay ayaa summalkooda lagu sheegay raganimo iyo Awr-dhalyo wanaagsan iyadoo lagu tuhunsan yahay maskax haddii si fiican looga faa’iideysto meel-gala noqonaysa.

Ururka Libaaxyeys ayaa isna xeradiisa isku didiyey waxayna Summal-summal dhalay u soo xuleen nin Saleebaan Islaam la yidhaa. Ninkaas oo aan aniga diinta uu haysto ii sheegin laakiin aan ka gartay Gadh-caddaantiisa, isagoo masaajid huluulanayana aan arkay. Isaguna qiyaastii waa qaraami ilaa raaxeeye Burcaawiga la soo jiifey, kana mid ahaa kooxihii ministernimada ka qallin jebiyey dowladdii marxuumku, ahaana ninkii kalkii hore codkii beelaha la qaybsaday alle-u-naxariisaygii.

Ninkan Saleebaan Islaam la yidhaa oo aan is-idhi geela lagu daraa ma tebiyeen, wuxuu leeyahay Ciro-caqli dowladnimo lagu qaado, iyadoo raggii yiqiinay ay sheegeen in uu yahay nin deeqsinimo u gaaloobey, yaqaanna khamaarka siyaasadda oo quud iyo quusashoba aqbala.

Urur la yidhaa Udub-aabbe-waa ayaa isna qoordiidasho cusub isu xayd-xaydey Xulashada Summalka cusub. Inkasta oo aan ogaantey la naqayn, haddana waxa la yaqiinsan yahay in Madaxyuubka laftiisu ku rari doono Udubka, kaas oo horeba dumaashu u badday oo ugu xilo-xidhay. Mr. Madaxyuubka oo ah Bayloodka eegga wada Shankaroonta waa nin intii uu meesha hayey caashaq mooyee cadho galabsan. Waana nin raganimada nasiib u weheliyo oo laga yaabo in dad samir lihi mahadiyaan haddiiba dumaashu u lammaanaato.

Haddaba, qaybta kale ee ururradan oo isugu jira qaar xiirtay iyo kuwo bulbul leh waxay kala yihiin: Ucid-xiiqsane, Sahan-geeda-waayey, Ummad-oday-keliya, Hormood-habla-badane, Birsol-biiqay iyo Ilays-yare.

Waxayna dhammaantood u lebisanayaan gogol-fadhiisiga foodka iyo gelibiska dowladda kal-dambe. Inkastoon ururradan quwaddooda weli la ogeyn, haddana midna faanka iyo faataa-dhugta kuma yara. Saddexdan urur ee dhowaan shiray ayaa ahaa kuwa ugu sanqadha weynaa ee kijooyinka magaalada oo dhan laga dareemay. Mar aan isha la dhacay waraaqo ay ku qoreen mabaadiida iyo farsamooyinka urur waliba kaga sheekaynayo sida uu wax odhan doono haddii la calmado, waraaqahaas oo is-macaanayn iyo barwaaqo-gaadhsiintuba ku badan tahay kumaan arag wax nacfile oo ay is-dheer-dheer yihiin ama ku kala geddisan yihiin; waxayse ku kala taggan yihiin summadda iyo summalka. Intii aan waraaqahaa jeedaalinayey kuma arag urur yidhi; Buurahana Hilib baan ka dhigi, baddana maraq, bacaadkana bariis.

Masar

Dalka Masar ayaa calool xanuun laga soo sheegay kadib markii dalka jaarkeeda ah ee Suudaantu uu Guban iyo Oogo u heshiiyey, kuwaas oo labaatan sannadood hoosta iska cunayey oo dalka ka dhexeeya nabad ku wada daaqa garan waayey.

Dagaalkaas oo cid caano ka heshay aanay jirin ayaase hadda la ogaadey in colaaddaa Suudaan ay Masaaridu ku ladnayd, arrintaasna waxay qireen markii dhowaan ay heshiiyeen Suudaantu, waxaana la maqlay cadho Qaahira dhex yaacaysa. Mar la weydiiyey sababta calooshu la xanuuntay markii Reer Suudaan gudahooda heshiiyeen waxay madaxda Masar sheegtay in dalka Suudaan la googoosanayo, iyadoo aan is-idhi ma awel buu isku yaalay? Habar ka faallootay qaddiyadda gobolkaas ayaa tidhi; “Masar waxay caabuddaa biyaha dooxa Niilka kuwaas oo ka qulqula waddamada Suudaan iyo Itoobiya. Marka Masar waxay u taqaannaa Suudaan Waashmaankeeda u ilaaliya biyaha webiga. Haddii ay heshiiyaanna waxay ku miyirsanayaan khayraadkooda oo biyaha webiga ayay cunaha ka qabanayaan Masar”.

Haddaba, oo cadho la heesaya ayaa isna u qabsaday Masar khiyaamo hore ay ugu samaysay, waxayna u sheegatay gobol ay Masar ka haysato, iyadoo Madaxweynaha Suudaan uu yidhi “wallaahay hadday gobolkayagaa na siin weydo inaan Maraykanka ka dacweyn oo ku odhan kaalayoo naga qabo argagixisadan gabowdey oo nooga qaad gobolkayaga salliidda badan leh. Haddii kale iskaba daa waxaannu ku jiheyn doonnaa Jannalkayaga Suudaan ee shaqadii hanjabaaddu ka xidhantay”.

Arrintani waxay mar kale shuban ku riddey reer Qaahira. Qaylo dhaan ay u dirteen Carabtana waxay diiq ku heleen “midnimada Suudaan waa muqaddas” iyadoo Carabtii oo dhami ka fadhiisatay yoolka Maraykanka.

Masar oo Soomaaliyana wardiyaha labaad u magacaabatay, Shantana kala bixi la’ laakiin anigu aan khadkeeda iska garanayey ayaa kaartadeedii caalamku fahmay in Somaliland-na ay uga soo horjeeddo sida nabadda Suudaan.

Maraykan

Madaxweynaha Maraykanka Birisidhen Buushe ayaa beryahanba garba-duub looga hayey inuu Ciraaq Col xuluuliyo, isaga oo yidhi kurayga yar ee Maraykanka u taliyaa “I can’t sleeping aayar oo dhalatay. Still Sadaam sitting front me..”

Rag badan oo ergo ula tegey ayuu ku yidhi “Iga walloonan miyirsanayn ilaa aan Ciraaq sonkorta ka dhigo”.

Shaarubaweynaha ciraaq u taliya Oday Sadaam ayaa isna rayidkiisa ka dhex hanjabey oo yidhi: “Nacamtu billaahay, Calaa cadawul Ciraaq Cadaabul Xaamiya. Fiihaa laaqiya Maraykan wa kufaarul abyad, kambashu, wallow kaana fii suduuri.”

Saddaam isagoo Cawaandinimadiisii sii wata ayuu heshiis Arbiciin Bilyaar doolaar gaadhaya la galay dalka Ruushanka sancaynta hubka laayaanka ah xariif ku ah.

Dalka Maraykanka oo beryahan dambe saarnaa awr buubaal ah, lana soo baxay waalli casaan iyo calan-wallayn saa’id ah ayaa Saddaam ku eedeeyey “Macangeg aan wuxuu damcay maradiisa u sheegin, una baahan yahay in saarka laga tumo. Dhammaan boqorrada Carabta Bari dhexe ayaa Basasha diidey cabsi darteed, waxayna ka baqa qabaan in la isla jiidho.

Waalli-casaanta noocan ahi waxay cudur ku riddey kiishadaha iyo duunyada Maraykanka xanuunkaas oo wax u dhimay tiraba dhawr shirkadood oo ka mid ahaa Adhi badanayaasha dunida.

Siimbaabwi

Qotida Caddaanka ah ee waddanka Siimbaabwi ayaa dalbaday kaalmo degdeg ah, mar la weydiiyey nooca kaalmada ay doonayaana waxa ay sheegeen inay u baahan yihiin rinji madow oo lagu midab –dooriyo ilaa dhawr kun oo qof oo ah Beeraleyda Cadaanka ah ee Simbaabwi ku nool.

Dadkaas oo ku garaadsaday iyagoo iska cadcad oo Simbaabwi deggan, beero waaweyn oo madowgu uga shaqeeyona leh, waxay ka mid yihiin dadkii Yurub ka baxsatay oo halkaa la dejiyey. Laakiin waxa dhowaan ku xayraamay Madaxyuubka dalkaa Mr. Rooble Mugaawi oo yidhi “Waannu caddaanaynaa, Afrikaanna waan nahay isku heli maysaane ama naga guura oo dhulkayaga nooga baxa ama noo ekaada.”

Dadkaa oo laga garawsan waayey “waar Afrikaan Camalkoodu caddeeyey baanu nahaye iska kaaya daaya” ayaa beerahoodii saamiga laga tuuray oo nimankii Madmadoobaa Yaambada la dhex-fadhiyaan. Yaacyaac badan oo dunidu u samaysayna waxa dunida oo dhan laga doonay rinji madow oo dadkaa la mariyo. Iyadoo Farmasiiyada waaweyni lagu arkay keliya Dawooyinka Badnoofaat, Diyaana iyo qaar kale oo la isku caddeeyo, laakiin madoobeyso aan la iibin.

Habar maarriin ah oo iyadu dirqi ku soo baxsatay ayaa raadiyowga u sheegtay Maxkamadda Simbaabwi shalay xukuntay Lix caddaan ah oo iyagu Daamur iyo dhuxul isku madoobeeyey si ay dadka ugu dhex-dhuuntaan.

Dalkaas oo uu biya-dhigay Saarka nooca loo yaqaan Booboolojiga oo uu caan ku ahaa Heesaa Halgamaa ahaa oo la odhan jirey Boobe Maarli, ayaa caddaankaasi waxay ku sii heesayeen markii ay sii baxayeen: “Oh my beerahayagii Very bad, it’s very bad… This is bilililiqo Black and white, people is people …”Ninka Mugaawi la yidhaa oo shaw isna Saarka Alhuumo ku qaba ayaa isna ku heeshay: “I am black Black is black I wana my people black”

Intaa waxaynu maanta ku shakaalaynaa War wixii gudo iyo dibad naga soo galay imminkana ku soo dhowaada Murti iyo Maahmaahyo Tumaali ah

Maahmaahyo

Soomaalidu waxay tidhaahdaa:

·         San Ilbaxay wax ma uriyo

·         Ragga Sebenkani halkay Caleeni la gasho Calan lama galo

·         Talo Qoydey ayaa wax la qaado ugu culus

·         Asqo Magaalo Asxaab ka lahaw

·         Dumar waa kuwii hore Ciyaalna waa intay dhaleen

·         Bidaari Cudur maahee Waa jago soo korodhay

·         Garande waa Gabadh deeq

·         Illayn Daari Dumin mooyee Durkin ma leh, hangoolka Reer Hebelna ku dayoo

·         Mirqaan Hirig buu dhaafi waayey

·         Burco waxay Orod iyo Ayaan ku weydey baa Boorame Aamus ku heshay.

Eegga iyo Haatanna Dhegeystayaal waxa idinku soo maqiiqan Gabay belo-ka-hooyaalaysay oo fajac-qaba ee qaadasho wanaagsan.

Gabay

Waxaan ahay nin gabayguu tirshaa Oodda jebiyaaye,

Aayar joogi maayee halkan joojiyaba dhaafye,

Xaafadaha Islaameed mar buu orod ku jiidhaaye,

Sidii waxaro tuugooyin ah ayuu xaafadaha dhibaye,

Jaarkiyo dadkiibaa igu yidhi jooji bahalkaase,

Qaar uu wadnaha kaga dhacaa laygu haystaaye,

Ashkatooyinkiisaa la dhigay shookigaa sare’e,

Armay nagu xidhaan gabaygu waa xasad-weyne’e.

***************************************

Afartaa intaan idinla dhacay ma idinku aroorshay,

Haddii aan ammaan kula dhacoo heeso kugu miiso,

Caashaq suufileeyeey rag waad camal taqaanaaye,

Jacaylkaaga sow kaa dileen duul mirqaansaniye,

Cawrala qudhaanjoy haddaan adi ku doondoonay,

Saqda dhexe habeenkii haddaan jinac ku weydiiyay,

Jacaylkaaga awgii haddii jiir I liqi gaadhay,

Ku amaani maayee haddaad iga xishoon weydo,

Saw maandhe huunooy dartaa saw is dili maayo.

***************************************

Afartaa intaan kugu melmelay maysku soo laabay,

Anaa idhiye ururada haddaan yara ilaaqeeyo,

UDUB waan jeclaa waxaan ku nacay oday la’aanteeda,

ASAD waan jeclaa waxaan ka baqay aarka saynta lehe,

UCID-daasna waxa la igu yidhi waa ammuur kale’e,

UMAD sheegmo mooyee ma jiro ruux arkoo qiraye,

SAHAN abasadii kala dirtaa galay ilayskiiye,

Inamadii HORMOOD waxaan is idhi aamin weyn ma lehe’e,

BIRSOL inankii keliyee wad-waday aayar la huleelye,

KULMIYE-na haddaan geli lahaa goor dambuu yimiye,

Garan maayo eegadan wuxuu soo alkuminaayo,

Is xariifintaas iyo raggaa ururadaa sheegtay,

Alla wuxuu ka qaybshaba farduhu waa is daba yaace,

Bal aan eegno uurada kacdiyo damacyadaa oogan.

Taallo Xiisad Ka Dhex-Abuurtay Dawladaha Itoobiya Iyo Talyaaniga

“ Talyaanigu waxay gacan siiyaan dhaq-dhaqaaqyo Geeska Afrika ah oo lid ku ah Itoobiya”

Wasiirka Arrimaha Debedda Itoobiya

 

Addis Ababa (Itoobiya) – La-taliyaha dhinaca arrimaha dhaqanka ee Qunsuliyadda Talyaaniga ee Addis-Ababa, ayaa u sheegay wargeyska ‘Informer’ in aanu isaga iyo mac-hadkiisu toona aanay sharci u haysan, inay dadka Itoobiya iyo dawladda Itoobiya toona kala hadlaan soo celinta taalada (Obelisk) oo uu Talyaanigu ka qaatay magaalada Axum, gobolka Tigray ee dalka Itoobiya sannadkii 1937.

Waraysi gaar ah oo uu Mr. Emilino Longhi (la-taliyaha dhinaca dhaqanka ee Qunsuliyadda Talyaaniga ee Itoobiya uu siiyay jariidada Sub-Sahara Informer ee ka soo baxda Addis Ababa, ayuu ku sheegay in dawladda Talyaanigu aanay war iyo wacaal u haynin. Arrinta xasaasiga ah ee soo celinta taalada Obelisk, oo Itoobiya 65 annadood ka maqan.

“Waxba kama odhan karno arrintaa ilaa inta ay dawladda Talyaanigu noo sheegayso waxa aanu ka odhanayno arrintaa,” ayuu yidhi Mr. Emilino.

Mar uu ka jawaabayay Mr. Emilano sida uu noqon karo xidhiidhka Itoobiya iyo Talyaanigu, haddii ay dawladda Talyaanigu dhegaha ka furaysato codsiga Itoobiya ee soo celinta taalada, wuxuu yidhi; “Arrinta taaladani wax uma geysanayso xidhiidhka sokeeye ee hore uga dhaxeeyay labada dal.”

Dawladda Talyaanigu, waxay saxeexday sannadkii 1947-kii, heshiis Qaamada Midoobay ay ansixisay oo ahaa in hanti kasta oo sida taaladaas ookale ah, loo celiyo dalkii isla lahaa ee laga qaaday.

Dawladda Talyaanigu heshiisyo badan oo sheegaya in taaladaa dib si deg-deg ah ay Talyaanigu ugu soo celin doonaan Itoobiya ayay la gashay Itoobiya. Laakiin ilaa hadda waxba kamay hirgelin.

Dawladda Itoobiya, waxay hore u oggolaatay inay bixiso kharashka taalada (Obelisk) lagaga soo safrinayo Talyaaniga ee lagu keenayo Itoobiya. Laakiin, sarkaal u hadlay dawladda Talyaaniga ayaa dhowaan sheegay in dib u fur-furka iyo dib u celinta taalada Oblesk ay tahay wax aan lagu fekeri karin.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya ayaa isna sheegay in Talyaanigu wax badan ka dhimeen caawimadii ay u ballan-qaadeen inay siiyaan Itoobiya iyo in Talyaanigu gacan siiyaan dhaq-dhaqaaqyo Geeska Afrika ah oo ku lid ah nabadgelyada Itoobiya.

Taalada Oblesk, waxay hadda hor qotontaa xarunta hay’adda Cuntadas iyo Beeraha ee magaalada Roma, waxaana magaalada Axum ee Itoobiya lagaga qaaday amar uu bixiyay keligii taliyihii Bennito Mussolini sannadkii 1937-kii, waqtigaas oo uu Talyaanigu xoog ku qabsaday Itoobiya.

Itoobiya Oo Laga Hirgeliyey

Jaamacaddii U Horaysay Ee Gaar Loo Leeyahay

 

Kuliyadda lagu magacaabi jiray (Unity College), ee Itoobiya oo ahayd Kulliyad wax-barasho oo madax-bannaan (Private), ayaa bishii hore ee sannadkan isu rogtay Jaamacad (University), taas oo ka dhigtay jaamacadii ugu horraysay ee Itoobiya laga furo, ee madax-bannaan.

Dr. Fesaha Eshetu oo ah Guddoomiyaha Kuliyadda Unity College ee Itoobiya ayaa kulan maalin socday oo lagu qabtay Huteelka Global Hotel, ka sheegay in kulliyaddiisu ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa, si ay u noqoto jaamacad. Shuruudahaas oolooga baahan Yahay inay aqbasho wasaaradda wax-barashada ee Itoobiya, si loo oggolaado inay jaamacad isu rogto kulliyaddaas khaaska ah ee sida gaarka ah u madax-bannaanayd.

Dr. Fesha, wuxuu sheegay in kulliyaddiisu ay hadda wax-barasho siiso 9,595 arday, taas oo aad uga badan tirada looga baahan Yahay, si loogu aqoonsado jaamacad.

Wasaaradda wax-barashada ee Itoobiya, ayaa sheegtay in kulliyadaha loo aqoonsan karo jaamacado marka tirada ardayda ee ka diiwaan-gashani ay gaadho 5000 (shan kun) oo arday, iyo marka 25% ay macallimiinta wax ka dhigaa ay haystaan shahaadada PHD. 50%-na ay macallimiinta wax ka bixiya casharada kuliyaddu ay haystaan shahaadada M.A/M.sc. 25%-na, ay macallimiintu haystaan shahaadada B.A, iyo in ay jaamacaddu lahaato 3 ilaa 4 kulliyadood.laamaha wax-barashada ah.

Dr. Fesseha, wuxuu sheegay in tirada macalliminta ee wax ka dhiga Unity University ay yihiin (53%), iyada oo la filayo sannadka 2004 in macallimiinta wax ka dhiga jaamaacaddu in ay gaadhaan 40.5%. iyada oo tirada macalliminta ee hadda wax ka dhigta jaamacaddaa ay 6.5% haystaan shahaadada PHD.

Kuliyadda Unity ee Itoobiya ee hadda isu rogtay jaamacadda, waxaa la furay sannadkii 1991, iyada oo ahayd mac-had lagu barto luqadaha; English, Arabic iyo French-ka, kadib ayaa lagu daray qaybo kale oo ah cilmiga. Waxaana kuliyadda Unity ka qalin-jebiyay 3,793 oo arday, bartayna sideed laamood oo cilmiga iyo xirfadaha kala duwan ah. 48% ardayda ka qalin-jebisay waxay ahaayeen haween.

Baarlamaanka Zambia Oo

Sharaftii Ka Xayuubiyay Madaxweynihii Hore

 

Rabshado ka taagnaa caasimadda dalka Zambia ee Lusaka, ayaa istaagay, kadib markii Baarlamaanka Zambia ay ansixiyeen in sharafta dhawrsanaanta laga xayuubiyo madaxweynihii hore ee Zambia Mr. Patrick Chiluba.

Arrinta dhawrsanaanta lagaga xayuubiyay Mr. Chiluba, waxay sahlaysaa, in ay maxkamadaha dalkaasi u xidhi karaan eedaymo loo haysto oo kala ah; musuq-maasuq iyo inuu si khaldan u isticmaalay awooda madaxweyninada xilligii uu hayay talada dalka Zambia.

Tallaabadan ay qaadeen Baarlamaanka dalka Zambia, waxaa dhismaha Baarlamaanka Zambi hortiisa uga dabbaal-degay ururada u dooda xuquuqda aadamiga, ururada bulshada, iyo xisbiyada mucaaradka ee dalkaas.

Go’aankan lagaga xayuubiyay sharafta dhawrsanaanta madaxweynihii hore ee Zambia Mr. Patrick Chiluba oo dhacday dabo-yaaqadii toddobaadkii hore, waxaa si wada-jir ah ay aqlabiyadoodu ugu codeeyay mudanayaasha Baarlamaanka kaga jira xisbiyada mucaaradka ah iyo kan talada dalka Zambia hadda haya ee (MMD) Movement For Multiparty Democracy.

140 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Zambia ayaa u codeeyay in dhawrsanaanta laga xayuubiyo Mr. Chiluba, taas oo ka dhigtay Zambia wadankii ugu horreeyay Afrikada waddamada ka hooseeya saxaraha ee dhawrsanaanta ka qaada madaxii hore ee dawladda, si dembi loogu qaado oo maxkamad loo horgeeyo.

Madaxweynaha dalka Zambia Levy Mwanawasa ayay qasab ku noqotay inuu taageero tallaabooyinka maxkamadda lagu hoggaaminayo.

Mr. Patrick Chiluba, kadib markii ay mudaharaado ka socdeen caasimada Zambia ee Lusaka, muddo toddobaado ah oo lagu dalbayay in sharciga lala tiigsado Mr. Chiluba.

Madaxweynihii hore ee Zambia Mr. Chiluba, waxaa lagu eedaynayaa inuu ka lunsaday malaayiin dollar khasnadda dawladda.

Madaxweynaha Zambia Mr. Mwana, ayaa u sheegay Baarlamaanka dalkiisa intii aanay gaadhin go’aanka ay dhawrsanaanta kaga xayuubiyeen Mr. Chiluba, in ilaa dembiga uu galay lagu caddeynayo aanu dembiile ahayn Mr. Chiluba. Caddayntaasna la doonayo in loo maro sida uu qabo sharciga u yaala Zambia.

DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Cumar Daahir Cumar

Daryeelka Kaluunka Iyo Ugaadha

 

Khayraadka dabiiciga ah ee ku nool degaanada dhuleed iyo badaha Somaliland ee loo baahan Yahay in la daryeelo noloshooda sidii ay u tarmi lahaayeen ayaa ka mid ah hawlaha lagaga qaybqaadan karo daryeelka guud ee degaanka.

Soddonkii sannadood ee u dambeeyay, dunida sawiro ay ka qaadeen Dayax-gacmeedadu ayaa muujiyay in ay waxyeelo gaadhay qaabkii iyo hawadii ay ku tiirsanayd nolosha noolaha ku nool dunida ee uu dadku ka midka Yahay.

Isbeddelkaa, waxaa sababay korodhka tirada dadka oo aad u korodhay, taas oo ay dhinac socoto korodhka cunto raadsiga, huga, hoyga iyo isticmaalka shidaalka, qodista macdanta, isticmaalka hubka ee dagaalada iyo wasakhda hadhaaga Nuclear-ka oo lagu shubo Badaha iyo dhulka kaymaha ah ee ay ku nool yihiin Ugaadha iyagu sida dabiiciga ah ugu dhaqma, uguna tarmaa.

Kalluunka iyo Ugaadha waxay labaduba leeyihiin marka si habboon looga faa’iidaysto wax-tar cunto iyo dalxiis oo labaduba kor u qaada dalka sida fiican u daryeela, ugana faa’iidaysta dhaqaalihiisa.

Si arrintan wax looga qabto, waxaa lagama maarmaan ah shuruuc loo dejiyho ilaalinta ficilada wasakheeya Badaha. Sidoo kale, wixii wasakhaynaya hawada ay dadku neefsadaan ayaa iyana la mid ah inay shuruuci ka taalo.

Korodhka aan loo aabo yeelin ee magaalooyinka iyo tuulooyinka lagaga sameeyay meelo fara-badan oo ka tirsan Somaliland oo hoy u ahayd dhir iyo Ugaadh noocyo badan ayaa ah hab-dhaqan sannadahan dambe sababay in Ugaadh badani ay le’ato ama lagaba waayo degaano aad hodan ugu ahaa.

Arrinta ugu muhiimsan ee meesha ka maqani waxay tahay, barnaamijyo wax-barasho iyo qaar wacyi-gelin ah oo aan sidii loo baahnaa u gaadhin degaanada dhulka iyo kuwa Badda ee Somaliland.

Dhinaca kale, Badda dheer ee ku dhereran Somaliland, ayay fududahay tiro yaraan, tayo yaraan iyo faham la’aanta waxyeelada ay degaanka iyo nolosha u keeni karto haddii fursad loo helo, dayacnan lagu daadin karo hadhaa kiimikal ah ama mid Nuyuukleer ah.

Aqoonta u adeegaysa ilaalinta khayraadka Badda noole iyo degaanba ayaa iyana u muuqata in aanay aad ugu badnayd Somaliland dadka ku takhasusay marka la barbar dhigo xeebta dheer ee ay Somaliland leedahay iyo khayraadka leh faa’iidooyinka aan la soo koobi karin ee ku nool.

Jarista, gubista iyo banaynta dhuleed ee la dabar-gooyay dhirtii ka bixi jirtay degaano badan oo ku yaal Somaliland, ayaa iyana jirta.

Sannadihii tegay ayaa iyana qayb ka ahayd waxyeelo keentay daryeel la’aanta ku dhacday ugaadhii Duur-joogta ahayd ee ku nolaan jirtay Somaliland.

Baaba’a seerayaashii iyo dhulkii laga ilaalin jiray falalka ku lidka ah daryeelka degaanka ee hawlgabka ahaa Somaliland sanadihii tegay, iyana waxay qayb ka tahay arrimaha ku dhacay dhalan-roga degaan ee ka dhacay Somaliland.

Dhaqanka xoolo-dhaqatanimo ee aqlabiyadda dadka reer Somaliland ee ay ku tiirsanaan jireen ayaa iyana sababtay inaan ahmiyad weyn aanay dadka reer Somaliland siin, inay si ballaadhan ugu hawl-galaan ka faa’iidaysiga khayraadka Badda iyo hawl-galka horumarinta qaabka loo ilaaliyo, loogana faa’iidaysto Badaha, Kalluunka iyo khayraadka kale ee ku jira.

Lahaanshaha ay Somaliland leedahay noocyo Ugaadh ah, oo aan laga helin dunida inteeda kale sida; Gumburiga (Dameer-dibadeedka), ayaa ah fursad keeni karta marka si fiican loo daryeelo, dalxiis soo gelin kara dalka dhaqaale, abuurina kara fursado shaqo.

Fahamsiinta dadka reer Somaliland in Ugaadhu ay tahay khayraad dabiici ah oo qaran, iyo ku wacyi-gelinta sida loo daryeelo oo aad xooga loo saaro waxay qayb weyn ka qaadan lahayd dhiiri-gelinta iyo tarminta ugaadha ku nool Somaliland.

Dib u soo noolaynta degaanadii ku yaalay badaha Somaliland ee intooda badan hadda aanay dad badani ku noolayn, waxay noqon lahayd jihayn tiro badan loo jiheeyay dhinaca Badda iyo khayraadkeeda, si isla markaa Badaha Somaliland u noqdaan halbowle la dareemi karo waxyeelada soo gaadha.

Dhinaca kale, dugsiyada wax lagu barto ee Somaliland oo la kordhiyo duruusta khusaysa khayraadka Badda iyo iyada oo la siiyo tabobar ficliyana (practical), oo ah farsamada kalluumaysiga.

Iyo khayraadka Baddu, wuxuu noqon lahaa hawl midha-dhal ah oo loogu diyaariyay ardayda farsamo shaqo wax-soosaar oo ay ka faa’iidaysan karaan Ardaydu mustaqbal ahaan, si ay u helaan shaqo iyo dakhli ay ku noolaadaan.

Sidaa si le’eg, barista Ugaadha iyo noocyadeeda, habka loo dhaqo ama loo tarmiyo, waxay keeni kartaa dhiiri-gelin xeryaha dhaqaalaynta ugaadha (Zoo) oo noqda kuwo ardayda baratay ku hawlgeli karaan.

Guud ahaan dar-dargelinta daryeelka Kalluunka iyo Ugaadha oo ah khayraad dabiici ah oo ku nool Somaliland, waa hawl lagama maarmaan u ah ololaha daryeelka degaanka ee indhaha dunidu hadda u soo jeesteen, kadib markii si toos ah dunidu u dareentay waxyeelada gaadhay degaanka adduunka.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Sahamin Iyo Saadaal Cad Oo Ku

 Saabsan Horumarka Ciyaaraha Ingiriiska

Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey waxa horumarka ugu  weyn samaysay Manchester United

 

Sannadkani wuxuu calaamad u yahya toban-guurada horyaalkan iyo siday xaaladuhu isu bedbeddeleen intii ka dambaysay xilli-ciyaareedkii 1992/1993, oo ahayd xilligii ay Manchester markii ugu horraysay horyaalka ku guulaysatay muddo 26 sannadood ah, markaas oo ay bilowday jabka ay kooxda Old Trafford baddo naadiyada kulamada Ingiriska.

Su’aasha la is-weydiinayaa waxay tahay, sidee bay Manchester u hirgelin kartaa inay ku tallaabsato wacdarihii xiddigahoodii Steve Bruce iyo Bryan Robson oo u qaaday horyaalkeedii u horreeyay ee weligeed.

Bilowgii xilli-ciyaareedkii 1992/93, koox badan ayaa u muuqday inay tallaabo cusub hore u qaadan, iyaga oo wacdaro ka muujiyay loolanka horyaalnimada. Waxaa budh-tuur u ahayd kooxad Norwich City oo ku dhaqaaqday inay shan dhibcood oo saafi ah ku hor-kacdo waqtigii nasashada ee December. Hase yeeshee, dhababaco weyn oo ay qaaday dhammaadkii xilli-ciyaareedka, oo muujiyay in Manchester ku guulaysatay toban dhibcood oo ay ka hormartay kooxdii ugu soo xigtay.

Isla waqtigaas Norwich, waxay ku dhacday kaalinta saddexaad, Queens Park Rangers, ayaa noqotay inay kaalinta labaad ka cidhiidhsato horyaalka. Waxaa iyana aan muddo dheer la ilaawi karin, kooxihii hoggaanka hayay, oo markii dambe dib u soo gurtay. Sheffield Wednesday, waxay gashay kaalinta (7th), Wembledon-na (12th), Sheffield United (14th),  Coventry City (15th) iyo Oldam Athletic (19th).

Kooxaha Nothingham Forest, Middlesbough iyo Crystal Palace ayaa dib u siqiiray.

Hase yeeshee, wax badan baa is beddelay 10-kaa sannadood, maalmahaana kooxuhu waxay rajo wacan ka qabaan danaynta hanashada horyaalnimada, marka la gaadho bisha May.

Sidaa darteed, way adagtahay in la suureeyo kooxad ugu saraysa marka la qiimeeyo dhinaca tayada. Laakiin tabobare Ferguson ayaa isu wada inuu horyaalnimada kala wareegi karo Arsenal.

MANCHESTER UNITED:

Tallaabada ay qaaday ee iibka Rio Ferdinand oo ay 27.3 milyan oo gini ku iibsatay, ayaa adkaynaysa difaaceeda oo kalhore kala daadsanaa.

Tamar-darri iyo khal-khal ku hyimi bilowgii olalaha tartanka ayaa shayaadiinta cas-casi u xaqiijisay in difaaca oo adkaa darteed gacmihiisa ay ku hoydaan siddeed horyaal.

Khadkiisa dhexe ayaa hadda ah kii ugu adkaa ee weligeed so mara, sidoo kale weerarka kooxda ayaa ah mid aan la dhayalsan karin.

Haddii difaaceedu isku xidhmo waqtigan, waxay noqon kartaa kooxad kaalinta koowaad gelaysa marka la qiimeeyo. Khatarta ugu xumi waa Manchester City oo sannadkan dib ugu soo noqotay horyaalka.

LIVERPOOL

Tabobare Gerard Houllier, wuxuu qaaday tallaabo kasta oo uu ku so xero-gelin karo ciyaartoyga Faransiiska ka ciyaarta. Salif Diao, Bruno Cheyron iyo El-Hadji Diouf ayaa ah saddex tartame oo dhab ah.

Anfeild, waxay ku rajo weyn tahay in ay kaalinta ka xidhan karto Manchester United. Hase yeeshee, fikraddeedu maaha mid dad badani la qabaan, labada kooxood marka la is barbar dhigona Manchester ayaa la odhan karaa way ka culustahay Liverpool.

Waxa laga yaabaa in dad badani la yaabo Arsenal oo kaalinta saddexaad ka gasha qiimaynta, waana kaalintii ugu hoosaysay ee Arsene Wenger hoos u gaadho.

Labada kooxood ee Gunners iyo Anfield aad bay isugu dhow yihiin, mana jiro farqi weyn oo lagu kala dooran karaa.

Su’aashu-se waxay tahay, farahoda ma ka bixi doonaa David Sea Man oo xataa kulamadiisiikoobka adduunka, guud ahaan hal-bowle ka ahaa guulihii la gaadhay, iyada oo aanay jirin goolal badan oo hareeraha ka weydaartay, laakiin waxaa tusaale laga dhigtay ka maqnaanshaha Robert Pires iyo Freddie Ljungberg, oo kulamada bilowga ka maqnaanaya miidaanka. Taasina waa sababta kaalinta saddexaad loogu sahamiyay Arsenal.

Iyada oo sidaasi muuqato, haddana horumarka horyaalku gaadhay waxa markhaati ugu filan ifafaalaha ka muuda kooxo badan oo la odhan karo waxay u qalmaan kaalinta afraad. Waxaa la xusi karaa Kevin Keegan kooxdiisa Manchester City oo muujisay dedaal dheeraad ah, inkasta oo si xun looga badiyay kulankii bilowga horyaalka, haddana qof weliba wuxuu xusuusan karaa saamayntii Keegan ku yeeshay horyaalka muddadii uu New Castle gacanta ku hayay. Si kastaba ha ahaatee, Man. City oo ku cusub horyaalka ayaa haddana la odhan karaa horumar weyn baa laga filayaa.

NEWCASTLE

Culayska horyaalada Yurub ku hayo oo lagu daray maqnaanshaaha Laurent Robert oo ugu yaraan muddo laba bilood ah fadhiyi doona, ayaa wiiqi kara horumarkeeda. Kooxda Magpies, waxay ku negaanaysaa horyaalka, balse waxay raad ku reebaysaa halkii ay ka gaadhi lahayd ololaha ay tartanka ugu jirto.

LEEDS UNITED

Dad badasn ayaa sugaya inay arkaan tallaabada ay qaado, iyada oo dahqaale buurani u soo hoyday, laakiin iibinta Rio Ferdinand waxay ka lumin kartaa kalsooni badan, waxaase la arkaa inay kabto khibradda tabobare Terry Venables. Si kastaba ha ahaatee, kulankeedii ugu horreeyay waxay ku tallaabsatay guul taariikhi ah, markii ay 3-0 ku dhirbaaxday Manchester City. Iyada oo taasi jirto, haddana sahaminta lagu sameeyay waxay dhigtay derejada lixaad.

MIDDLESBROUGH

Waxay ku tallaabsatay horumar weyn oo ay heshisyo ku gaadhay toddobaadadii ugu dambeeyay, waxaana mid muhiimad leh noqon karaya ninka Steve Mc Claren, oo khadka dhexe ka caawinaya hawl-qabadka kooxda. Tallaabooyinka kor u qaaday waxa kale oo ka mid ah; Massimo Maccarone oo ay soo xero-gelintisu farxad abuurtay.

WESTHAM UNITED

Waxaa iska cad saamaynta ay ku keeni karto 11 ciyaartoy oo ka tegay xagaaga. Laakiin weli waxay ku hawlan tahay shaqo culus oo keeni karta dib-u-dhis dhinaca kooxda ah, taas oo xilli-ciyaareed fiican u noonkarta kooxda Hammers.

Kooxda kale ee la odhan karo tallaabo sax ah bay aady waa Blackburn Rovers. Tabobare Greame Souness, ilaa hadda wuxuu maareeyay inuu soo xero-geliyo xiddiga Ireland Damien Duff iyo Andy Cole oo ku tallaabsaday dhammaadkii tartankii hore inuu gool ka dhaliyo Old Trafford.

Haddii ka qaybgalka Dwight York ka qaybqaato cufnaanta kooxda, waa hurti la’ inay kaalin sare ka cidhiidhsan doonto.

Marka laga tago kooxaha horumarku ka muuqdo, waxaan shaki ku jirin in xilligani noqon karo mid ku adkaada Chelsea.Dhawr arrimood baa laf-dhabar u noqonaya culayskeeda, ta ugu horraysaa waa xaga kharashka. Ma jiro wax dakhli ah oo u soo xerooday, waxaana u dheer dayn badan oosiku gaadhay iyo xiddigaheeda weerarka ah ee Jimmy Floyd Hasselbaink iyo Eidur Gudjohnsen oo lagu wado inay ka tagaan Stamford Bridge, marka la gaadho waqtiga nasashada ee jiilaalka. Way adag tahay in la arko horumar ay ku tallaabsato koox sanado badan la il-darayd culayska marba sii fuulaya, caqabada kale ee xalka loo waayay waa xiddigaha qalaad. Sidaa darteed, inay klaa badh ka hoos marto ayaa dhici karta.

Iyada oo aan waqti inoo saamixi karin in aynu mid mid u soo gudbino sahaminta kooxaha, isla maalin keliya, ayaanu door-bidnay inaanu akhristayaasha Haatuf u soo koobno qodobada ugu xiisaha badan oo ah calaamadaha ay yeelan karana kooxaha waaweyn ee inta badan ciyaarahooda la xiiseeyo.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaraha Ingiriisku 10-kii sannadood ee ugu dambeeyay waxay hore u qaateen tallaabo waafi ah.