Haatuf, Cadadki 142, Aug.21, 2002

“Markaan Hargeysa Ka Soo Degay

Ayaan Neecow Nabad-Gelyo Dareemay”

C/kariim Casayr Cali – Dhakhtar Reer Muqdisho ah

Hargeysa (Haatuf): Dhakhaatiirta Somalida koonfureed, gaar ahaan magaalada muqdisho waxa had iyo goor saamayn ku yeelata colaadda iyo falalka budh-cadnimo ee ka dhaca magaalada Muqdisho, sidaa darteed dhakhaatiir badan ayaa 11-kii sannadood ee u dambeeyey lagu dilay ama lagu af-duubay Muqdisho.

Dr. C/kariin Casayr Cali oo ah dhakhtar Reer-Muqdisho ah, laakiin hadda u shaqeeya hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, kana mid ahaa koox dhakhaatiir ah oo dhowaan aqoon iswaydaarsi la xidhiidha arimaha caafimaadka u yimi magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayuu weriye Xadiis Maxamed Xadiis waraysi kala yeeshay dhibaatooyinka ay dhakhaatiirta Muqdisho kala kulmaan dhibaatada colaadda iyo falalka budh-cadnimo ee ka dhaca magaalada. Sidoo kale Dr. C/kariin Casayr waxa uu jawaabo ka bixiyey aragtida ay ka qaateen xaaladda Somaliland, iyadoo uu Dr. C/kariin ka mid ahaa koox toban ah oo ay isaga mooyee inta kale ahaayeen ajaanib u shaqeeya hayadaha samafalka oo dhowaan ay niman hubaysani ku af-duubeen magaalada Muqdisho. 

Sidaa awgeed dhakhtar C/kariin isaga oo ka waramaya sidii loo af-duubay waxa uu yidhi “Mar walba af-duubkaasi wuu iska dhacaa, khaasna kuma dhakhaatiirta oo keliya ee arin la wada kulanta bulshada Reer-Muqdisho oo dhan, waxaana la af-duubaa qof kasta oo dhaqaale lagu tuh-mayo, labadii sannadood u dambeeyeyna af-duubku saayid buu ahaa, sideedii bilood ee u dambeeyeyna wuuba ka sii daray af-duubku, laakiin hadii aan ka waramo sidii naloo af-duubay, anaga oo jidka marayna oo baabuur saaran ayuun bay niman hubaysani na hor-istaageen oo ay rasaas nagu fureen, iyaga oo aan nagaba hadlin, ka dibna anigu waxaan ka dhacay daaqadda gaadhiga waxaana galay meel luuq ah sidaas ayaana ku baxsaday, waxayna gacanta ku dhigeen nimankii cadaanka ahaa, kuwaas aakhirkii laga sii daayey markii ay muddo haysteen”, laakiin dhakhtar C/kariin, isaga oo tilmaamaya dadka falalka af-duubka ah geysta wuxuu yidhi “Waxa wax af-duuba kooxo dhalinyaro ah oo dhaqaale doon ah, sidaa darteed qof kasta oo ay af-duubaan waxay waydiistaan lacag madax furasho ah”.

“Waxaan dareemayey argagax iyo naxdin badan, marka aan maalintaa xusuustana waan argagaxaa, af-duubkana ninkii soo maray ayuun baa garan kara xaaladiisa foosha xun” ayuu yidhi, dhakhtar C/kariin, laakiin dhakhtarka mar la waydiiyey inuu sheegi karo tirada dhakhaatiirta ah ee mudadii ay colaaddu ka jirtey Muqdisho lagu dilay ama lagu af-duubay, waxa uu yidhi “Dhakhaatiirta dhimatay intii ay dagaaladu socdeen waxay tiradoodu kor u dhaafaysaa ilaa 23 dhakhtar, laakiin inta dhakhtar ee, iyadoo qabiil loo aanaynayo guryahooda lagala baxay ka dibna la dilay waxay tiradoodu gaadhaysaa 7 ilaa 8 dhakhtar, sidoo kale waxa falal af-duub ah lagu fuliyey ilaa 4 dhakhtar”.

Guud ahaan waxa jirta cabasho la xidhiidha hawlaha daaweynta ee dhakhaatiirta, waxaana ka mid ah waxyaalaha dhakhaatiirta guud ahaan lagu eedeeyo inay yihiin niman ay muhimadooda weyni tahay inay dadka lacag ka urursadaan, laakiin aan dareen adag siin xaaladda caafimaad ee qofka, laakiin dhakhtar C/kariin, isaga oo su’aal arintaa laga waydiiyey ka jawaabaya wuxuu yidhi “Way jiraan rag sidaa sameeyaa, ragaasna waxa loo yaqaan dhakhaatiirta hadda soo baxay, wayna jirtaa inay dadweynaha si xun ula dhaqmaan, dadkaasina waa dad hunguri doon ah ee ma aha dhakhaatiirtii la yaqaanay, dhibaatadaasna waxa sababay burburkii iyo dagaaladii”, laakiin dhakhtar C/kariin, isaga oo ka waramaya dhakhaatiirta Reer-Muqdisho, isla markaana kala tilmaamaya inta dhakhtar ee u diiwaan-gashan urur ay dhakhaatiirtoodu leedahay iyo inta kale ee suuqyada lagu sheego, laakiin aan la hayn hubaashooda dhakhtarnimo waxa uu yidhi “Baadhitaan lagu sameeyey dhakhaatiirta Muqdisho ku nool waxa ilaa hadda la diiwaan geliyey oo buugga dhakhtarada noogu jira 178 dhakhtar, laakiin intaa waxa sii dheer ilaa 300 oo qof oo sheeganaya inay dhakhaatiir yihiin, balse aan ahayn dhakhaatiirtii la garanayey ee jaamacadaha ka soo baxay”.

Dhakhtar C/kariin waxa uu sheegay in markii ay Hargeysa yimaadeen si fiican loogu soo dhoweeyey, isaga oo xusay inay dadka soo dhoweeyey ugu horeeyeen dhakhaatiirta dhigooda ah, laakiin dhakhtar C/kariin, isaga tilmaamaya aragtidii uu ka qaatay Somaliland markii u horaysay ee uu ka soo degay madaarka Hargeysa wuxuu yidhi “Runtii markii aan madaarka ka soo degay waxaan markiiba dareemay laydh nabad-gelyo, waxaana I soo jiitay kala dambaynta iyo nidaamka halkan ka jira oo ah wax lagu faani karo, nabaddan iyo nidaamkan oo kalena waxa iigu dambaysay dhawr iyo toban sannadood ka hor”.

Hase yeeshee dhakhtar C/kariin, isaga oo farta ku fiiqaya aragtida uu magaaladiisii Muqdisho kula guryo noqonayo ee uu Somaliland ka qaatay mudadii yarayd ee uu Hargeysa ku sugnaa wuxuu yidhi “Marka aan Muqdisho ku noqdo waxaan isku deyayaa inaan wax garadka iyo duqayda Reer-Muqdisho ka dhaadhiciyo in colaadda lagu bedelo nabad iyo horumar sida ay Somaliland wax garadkeeda iyo duqaydeedu u bad-baadiyeen oo kale” ayuu dhakhtar C/kariin Casayr Cali ku soo xidhay hadalkiisa.

Wefti Culus Oo Garaaddada

Reer Sool Ah Oo Garoowe Wada-Hadalo Kula Leh Cabdillaahi Yuusuf

Warar Kala Duwan Oo Ka Soo Baxay Ujeedada Wada-Hadalka Iyo Imaatinka C/Laahi Yuusuf Ee Laas-Caanood

Laascaanood (Haatuf): Wefti culus oo Garaaddada Reer-Sool ah, ayaa shalay tegay magaalada Garoowe ee Xarunta maamul-goboleedka Puntland, waxayna weftigaasi ka bixitimeen magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, kaas oo uu hogaaminayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamud. Waxa kale oo ka mid ah Garaad Abshir Saalax, Boqor Maxamuud Axmed Dabey, Ugaas C/laahi Ciise iyo xubno kale, waxayna magaalada Garoowe kula kulmeen Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo hadda ku sugan halkaa, ka dib markii uu doraad ka soo laabtay socdaal uu dhawr maal-mood ku joogay magaalada Gaalkacayo ee badhtamaha Somaliya.

Ilaa hadda lama xaqiijin waxyaalaha ay ka wada hadlayaan garaadada reer-Sool iyo hogaamiyaha Puntland, Cabdilaahi Yuusuf, waxayse wararku tibaaxeen inay labada dhinac ka wada hadlayaan socdaal la sheegay inuu Cabdilaahi Yuusuf ku imanayo gobolka Sool, taas oo maal-mihii u dambeeyey si weyn loogu dhegtaagayey, laakiin imaatinka Cabdilaahi Yuusuf ee gobolka Sool oo markii hore lagu waday inuu ku beegmi doono 19-kii bishan oo ku beegnayd doraad waxay wararka qaarkood tibaaxeen inuu dib uga dhacay. Hase yeeshee taa lama xaqiijin, waxayse wararku dheegeen in waxyaalaha ay garaadada Reer-Sool Cabdilaahi Yuusuf kala hadleen ay ka mid tahay inay imaatinkiisa Laascaanood dib u riixaan, iyadoo sababtana lagu tilmaamay buuq iyo iska hor-imaad ku saabsan imaatinka Cabdilaahi Yuusuf oo laga cabsi qabo inuu ka dhex-abuurmo dadka Reer-Laascaanood, taas oo ay dadka qaar ka soo horjeedaan imaatinka cabdilaahi Yuusuf. Hase yeeshee dhinaca kalena waxay wararka Laas-caanoo ka soo baxayaa sheegayaan in dhawrkii maal-mood ee u dambeeyey uu magaalada ka socdey dhaqdhaqaaqyo loogu ololaynayo imaatinka Cabdilaahi Yuusuf, waxaana xarakaadkaa halkaa ka jira weheliya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

Marka laga yimaado ciidamo Cabdilaahi Yuusuf taageersan oo dhaqdhaqaaqoodu ka socdo gobolka Sool, waxa kale oo, iyana dhaqdhaqaaqooda halkaa laga dareemayey maal-mihii u dambeeyey ciidamo taageersan maamulka Somaliland, sidoo kale waxa, iyana dhinacyada imaatinka Cabdilaahi Yuusuf ka soo horjeeda ka mid ah kooxo ka mid ahaa maamulkii Jaamac Cali jaamac ee uu Cabdilaahi Yuusuf ka soo saaray degaamada Puntland, waxaana magaalada Laascaanood hadda ku sugan rag ay mudooyinkii u dambeeyey Cabdilaahi Yuusuf si xun u coloobeen, sida garaad C/qani garaad Jaamac oo fadhigiisu yahay Laascaanood, sidaa awgeed waxa jira culays aan yarayn oo ka soo horjeeda imaatinka Cabdilaahi Yuusuf ee gobolka Sool, sidaa darteed waxa la rumaysan yahay inay garaadada Garoowe tegey Cabdilaahi Yuusuf kala hadleen ama kala hadlayaan sidii uu wax uga bedeli lahaa socdaalkii uu ku iman lahaa Sool, taas oo sida wax looga bedelayo ay warar kala duwani ka soo baxayaan. 

Wararka qaarkood waxay leeyihiin waxay garaadada Reer-Sool ee la kulmay waydiisteen inuu socdaalkiisa dib u dhigo, laakiin warar taa khilaafsan ayaa jira, kuwaas oo sheegayaa inay garaadada Reer-Sool Cabdilaahi Yuusuf iyo maamulkiisa ka codsadeen in halkii uu Cabdilaahi Yuusuf ka soo hogaamin lahaa weftiga iyo ciidamada Laascaanood imanaya lagu bedelo wefti uu hogaaminayo madaxweyne-kuxgeenka Puntland, Axmed Cabdi Xaashi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha Sool, taas o la aaminsan yahay inay meesha ka saari doonto xiisado iyo iska hor-maad ka dhex dhici kara dadka hayb-wadaagta ah, laakiin kala taageersan maamulada iyo garabyada siyaasadeed ee ku hirdama gobolka Sool.

Waxa kale oo ay wararku leeyihiin garaadadu ma baajinayaan imaatinka Cabdilaaahi Yuusuf, waxayse  kala hadleen ama kala hadlayaan sidii ay ugu qancin lahaayeen inaanu awood milateri oo xooggan ku soo gelin gobolka iyo inaanu talaabooyin aar-goosi ka qaadin dadka ay siyaasadda ku coloobeen ee gobolka u dhashay. Hase yeeshee wararka qaar ayaa, iyana leh garaadadu waxay doonaan haka kala hadleene Cabdilaahi Yuusuf wuu imanayaa Sool, waxayna wararka arintaa la xidhiidhaa leeyihiin magaalada Laas-caanood waxa looga dhegtaagayaa imaatinka Cabdilaahi Yuusuf, iyadoo wararku intaa ku dirayaan in ilaa hadda uu magaalada Laascaanood ka socda dhaqdhaqaaq loogu gogol-xaadhayo imaatinka Cabdilaahi Yuusuf, imaatinkiisuna uu ku beegnaan doono dhawrka maal-mood ee foodda inagu soo haya.

Dhinaca kalena waxa maal-mahan magaalada Hargeysa laga hadal hayaa wefti golaha Guurtida ah oo u bixitimi doona gobolka Sool, hase yeeshee tabaabushahoodu uma muuqdo mid shilis, waxayse wararka qaar leeyihiin waxa suurta gal ah inay Hargeysa ka baqoolaan laba-saddexda maal-mood uu ugu horeeya toddobaadka soo socda, iyadoo ay wararku intaa ku dirayaan waxa laga yaabaa inay dadka dhinaca Sool u kicitimaya ka mid noqdaan Xubnaha saraakiisha ah ee shalay xilalka loo magacaabay.

Daabulka Shixnad Raashin Ah

Oo Sababtay Iska-Horimaad Dad Ku Dhaawacmay Dekedda Berbera

Berbera (Haatuf): Rogista iyo daad-guraynta shirxnad Bariis ah oo toban kun oo Ton ah oo uu leeyahay Ganacsade Indha-deero oo saaran Markab weyn oo nooca Bangaaliga loo yaqaano ah, ayaa shalay buuq iyo gacan-ka-hadal ka dhalisay dekedda Berbera.

Siduu sheegay war uu noo soo diray Weriyahayaga Gobolka Saaxil C/raxmaan X. Daahir, gacan-ka-hadalkaas waxaa sababay Gaadiidlayda oo xanibay mid ka mid ah albaabada dekedda.

Gaadiidleydu waxay ka cabanayaan, Ganacsatada wax soo dejisa oo gaadiidkooda oo keli ah ku daabusha raashinka u soo degga, waxaanay gadoodeen kadib markii gaadiid uu leeyahay Ganacsade Indho-deero ay u soo diyaar-garoobeen in ay daadgureeyaan shixnaddaa Bariiska ah.

Askar Boolis ah oo ka tirsan Saldhigga dekedda Berbera oo isku dayday in ay joojiyaan, is-hortaagga shaqo ee ay gaadiidleydu ku dhaqaaqeen, ayaa iyana wadayaasha baabuurtu dhagaxaan iyo budhadh ku weerareen, waxayna taasi sii xoojisay arrinta.

Warku wuxuu intaa ku daray in iska horimaadkaa ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan booliska oo ay gaadheen dhaawacyo fudud, hase yeeshee maamulka gobolka Saaxil oo uu hogaaminayay Badhasaabka Mr. Xasan X. Cabdillaahi (Xasan Gadhweyne), ayaa arrinta goor dambe soo dhexgalay, waxaanu tegay dekedda, halkaas oo uu shir albaabadu u xidhnaayeen kula galay guddi 10 xubnood ka koobnaa oo laga soo xulay gaadiidleyda cabanaysay.

Warku wuxuu xusay in uu Badhasaabka Gobolka Saaxil qaboojiyay xiisadda, gaadiidleydana u sheegay in ay isaga ka war sugaan. Warkani wuxuu intaa ku daray in khilaafkan salkiisu uu yahay, shaqo la’aan soo foodsaartay gaadiidleyda reer Somaliland ee ka xoogsada dekedda Berbera, isla markaana waxay ku doodayaan in aanay Ganacsatadu ogolayn in ay fursad shaqo siiyaan gaadiidka dadweynaha.

Dhinaca kale, kulan degdeg ah oo ay xalinta arrintaas ka yeesheen, Maareeyaha Dekedda Inj. Cali Xoor-xoor, Badhasaabka Gobolka Saaxil, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saaxil iyo Maamulaha Kastamku, ayaa fiidkii xalay laga soo saaray go’aan dhigaya in ay gaadiidka ganacsadaha iyo gaadiidleyda kaleba, si siman uga qayb-qaataan daabulka raashinkaas oo ay ka wada-shaqeeyaan. Siduu weriyahayaga u sheegay Badhasaabka Gobolka Saaxil, Xasan X. Maxamuud, go’aankaasi wuxuu dhigayaa in 50% raashinkaas ay daabulaan gaadiidka shacabku, 50%-ka kalena gaadiidka ganacsade Indha-deero. Hase yeeshee, inuu ganacsaduhu aqbalay go’aankaas iyo in kale weli lama xaqiijin.

Masuuliyiin Maamul Iyo Ciidan

Oo Loo Magacaabay Gobolka Sool

Hargeysa (Haatuf): Daa’uud Ismaaciil Xasan (Dawaca jiqil) ayaa shalay loo magacaabay Badhasaabka Gobolka Sool, waxaana sidaa shaaca ka qaaday war ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane C/laahi Cumar Cige, wuxuuna badhasaabka cusub ee loo magacaabay bedeli doonaa badhasaabkii hore ee gobolkaa, Faysal Cali Warsame. Sidoo kale war ka soo baxay wasaaradda gaashaan-dhigga ayaa sheegay in Ibraahin Caydiid-dhabdhable isna loo magacaabay taliyaha qayb la yidhaahdo 9aad oo ciidanka Qaranka Somaliland, qaybtaas oo aan hore u jirin, laakiin hadda laga aasaasi doono jiidaha gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle,iyadoo ay gobolka Sool ka jiraan cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland.

Labadan masuul ee la magacaabay, Daa’uud Ismaaciil iyo Ibraahin Caydiid waxay labaduba dhalasho ahaan ka soo jeedaan beesha Sool, waxayna hore u ahaan jireen saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidankii milateriga ee dawladdii Soomaaliyeed, laakiin waa markii u horaysay ee xilal ka qabtaan dawladda Somaliland.

Magacaabidda labadan masuul waxay mar la soo baxday abaan-duulaha cusub ee loo magacaabay Ciidanka Qaranka Somaliland, C/raxmaan Maxamed Cali (Quule), kaas oo isna dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Sool, waxayna magacaabista saddexdan masuul ku soo beegantay xili ay ruxayso dabaysha Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Cabdilaahi Yuusuf Axmed, taas oo ay maal-mahan wararka gobolka Sool ka imanayaa tilmaamayaan inuu Cabdilaahi Yuusuf ku talo jiro inuu socdaal ku yimaaddo Laas-caanood, iyadoo ay weheliyaan saraakiil milateri iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan maamulka Puntland. Dhinaca kalena waxa maalmahan la hadal hayaa socdaal uu Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin doonayo inuu ku tago gobolka Sool, sidaa darteed waxay u egtahay inay magacaabista masuuliyiintan cusubi ku salaysan tahay inay noqdaan niman waajaha ragga dhigooda ah ee gobolka Sool ka soo coominaya dhinca Puntland.  “Waa rag miisaan leh oo gobolka Sool ka saari kara marxaladda uu maanta marayo”, sidaa waxa yidhi mid ka mid ah mudanayaasha beesha Sool kaga baarlamaanka Somaliland, laakiin waxay doonaan-ba ha ahaadeene waxa hubaal ah inay koleyba hor taal duruuf adag oo siyaasadeed iyo mid maamul-ba.

Abaan-Duulle Cusub Oo Loo

Magacaabay Ciidanka Qaranka Ee Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay Abaan-duulle cusub u magacaabay Ciidanka Qaranka (Milateriga), kaas oo beddelaya Abaan-duulihii hore ee Ciidankaas. Sidaana waxa lagu caddeeyay digreeto uu Madaxweynuhu soo saaray oo loo soo gudbiyay Saxaafadda.

Siduu Madaxweyne Rayaale ku sheegay digreetada uu soo saaray, wuxuu u magacaabay C/raxmaan Maxamed Cali (Quulle) inuu noqdo Abaan-duullaha cusub ee Ciidanka Qaranka Somaliland. Magacaabista masuulkan cusub, wuxuu Madaxweyne Rayaale ku tallaabsaday, kadib markii uu tixgeliyay in baahi weyn loo qabo isbeddel lagu sameeyo Abaan-duulka Ciidanka Qaranka, isla markaana uu la tashaday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka. Warku wuxuu intaa ku daray in uu Madaxweyne Rayaale u cuskaday magacaabista Masuulkan, distoorka dalka.

C/raxmaan Maxamed Cali (Quulle), wuxuu beddeli doonnaa Siciid Cawed Barraar oo hore u ahaa Abaan-duulaha Ciidanka Qaranka, kaas oo muddo dheer xilkaa hayay. Abaan-duulahan cusub C/raxmaan Maxamed Cali iyo Abaan-duulihii hore Siciid Cawed Barraar, waxay labadooduba ka soo jeedaan dhallasho ahaan Gobolka Sool.

Sidee Loo Maamulay Qaybintii Guryaha Bacadlayaasha Suuqa Idaacadda Hargeysa?

Hargeysa (Haatuf): Ilaa 6 qof oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee suuqa xaafadda idaacadda ee ku yaal meesha loo yaqaan dhismaha xisbiga ayaa toddobaadkan gudihiisa muddo ilaa laba habeen gaadhaysa ku xidhnaa saldhigyada booliska Hargeysa, kuwaas oo markii dambe la soo daayey, waxayna sababta xadhigoodu ku xidhiidhsanayd muran ka dhex-abuurmay kooxo ganacsatada yar yar ee suuqaas iyo guddi isku dhaf ah oo isugu jira xubno ka socda ganacsatada suuqaa iyo xubno ka socda dawladda hoose, iyadoo uu muranka labadan qolo dhex-maray ka dhashay qaybinta dhismayaasha cusub ee dhowaan laga sameeyey suuqa bacadlaha ee xaafadda idaacadda, taas oo ay maamulayaasha dawladda hoose dadka ganacsatada ah ee suuqaa degan lacag ka ururiyeen si uu qof kasta oo lacag bixiyeye u helo guri ka mid ah guryaha cusub, laakiin qaar ka tirsan ganacsatada degani ku andacoodeen in si cadaalad daro iyo musuq-maasuq ah loo maamulay qaybintii dhismayaasha cusub ee suuqa bacadlayaasha idaacadda, sidaa darteed-na ay guddigga hawshaa maamulayey dad badan oo ka mid ah ganacsatadii lacagta laga ururiyey ee suuqaa deganaa cid debedda ka ah ganacsatadii meesha deganayd looga qaaday guryihii lacagtoodu gashay. Siciid Cadaani, Jaamac Bidde, Xuseen Ibraahin, Mawliid-dheere iyo Cabdilaahi Caarre ayaa ka mid ah dadka loo xidh-xidhay muranka ka dhashay qaybinta guryaha bacadlayaasha, laakiin hadda waa la soo daayey.

Markii u horaysay ee la bilaabayey dhismaha bacadlayaasha suuqa idaacadda oo qiyaastii ahayd ilaa afar bilood ka hor waxa qof kasta oo ka mid ah dadkii suuqaa deganaa laga qaaday lacag gaadhaysa ugu yaraan ilaa 1300 U.S-dollar, waxayna dawladda hoose arintaa u samaysay guddi isugu jirta xubno ay ka soo xushay ganacsatada suuqaa degan iyo xubno ka tirsan dawladda hoose, isla markaana waxa maamulka hawshaa daaha dabadiisa ka hagayey maayarkii hore ee xilka laga qaaday Cawl Cilmi Cabdalle, laakiin bilowgiiba waxa soo baxday cabasho la xidhiidha lacagta la saaray dadka ka xoogsada suuqa idaacadda, taas oo ay kooxo dan yar u badani si ba’an uga cawdeen inaanay tahli karin lacagta adag ee la saaray, waxayna dadkaasi cabashadooda ka muujiyeen meelo badan oo ka mid ah golayaasha dawladda.

Hase yeeshee marka taa laga yimaado waxay mar kale qaylo ka soo yeedhay qaabkii wax loogu qaybshey intii awooday inay iska bixiso lacagta la saaray, waxayna wararka arintaa la xidhiidhaan leeyihiin dad door ah oo ka mid ah dadkii lacagta laga tiriyey, isla markaana ka mid ahaa ganacsatadii meesha deganayd ayaa markii ay xiliga wax qaybinta la soo gaadhay hungo ku dhacay, waxayna dadkaasi ku andacoonayaan inuu meesha musuq-maasuq ka dhacay, iyaga oo farta ku fiiqaya xubno dhawr ah oo isugu jira guddiga hawsha gacanta ku hayey iyo weliba niman masuuliyiin ah.

Dadka lacagta laga qaaday waxa loo jaray shatiyo ay ku cad yihiin lacagta laga qaaday, sidoo kale waxa dadka lacagta bixiyey ee u diiwaan-gashanaa inay qaybta guryaha ka qayb galaan la siiyey waraaqo yar yar oo ay al-baabka guriga ay fadhiyeen guddiga wax qaybinyaa ku soo dhaafaan (Gate pass) maalinta ay hawsha qaybinta guryuhu dhacayso.

“Waxa la idin farayaa inaad soo daysaan maal-geliyaha guryaha bacadlaha ee kaadhkan sita maalinta berito ee ay bishu tahay 14/8/2002” ayaa ku qoran waraaqaha loo qaybiyey dadka lacagta bixiyey ee uu qorshuhu ahaa inay ka qayb galaan saami qaybsiga guryaha, laakiin dad badan oo waraaqahaa sitey, kana mid ah dadkii lacagta bixiyey ayaa maalintii lala ballamay albaabka loo diiday, ka dibna intii ay debedda meehaanabaayeen guryihii qaybta laga tuuray, sidaana ku qaday.

Ibraahin Siciid Ismaaciil waxa uu ka mid yahay ganacsatada bacadlayaasha ee lacagta laga qaaday, waxaana shati uu magaciisu ku yaal ku cad inuu ka mid ahaa ganacsatada suuqa idaacadda ee hadda loo bixiyey gobanimo, isla markaana waxa uu lalansanayaa laba shati oo uu mid yahay kii lacagta lagaga qaaday oo ay ku qoran tahay $2600 U.S-doolar, midna yahay waraaqdii albaab dhaafka, laakiin waxa uu ka mid yahay dadka qaday, sidoo kale C/raxmaan Maxamed Nuur waxa uu isna ka mid yahay dadka waraaqahaa la siiyey, shatigiisana ay sidoo kale ku qoran tahay lacag $2600 doolar ahi, laakiin qaday.

Inkasta oo ay wararka qaar sheegeen in dadka la qadiyey loo sheegay in lacagtooda loo celin doono, haddana waxay wararku leeyihiin dadkaasi guryona ma helin, lacagtoodiina way maqan tahay, waxayna dadkani ku andacoonayaan in guryihii ay lacagtooda lagu dhisay qaarkood lagu maamuusay niman madax ah, qaarna dad lacag sita oo aan beesha bacadlaha ka tirsanayn, laakiin cidda mindida daabkeeda haysa ehel la ah ama wadiifad kale la leh qunyar muftaaxa farta laga saaray, iyadoo meelaha ay dadka cabanayaa sida gaarka farta ugu fiiqayaan ay ka mid yihiin guddiga wax qaybinaysay, madaxda wasaaradda daakhiliga qaarkood iyo weliba niman kale oo madax ah, waxa kale oo farta lagu fiiqayaa qaar ka tirsan madaxda dawladda hoose, iyadoo la leeyahay Xubnaha gudida ama ragga kale ee madaxda ah ee farta lagu fiiqayo ninka ugu yari dhawr guri buu jeebka gashaday, waxaana meelahaa meehanaabaya dad sita shatiyo lacag lagaga qaaday, laakiin aanay waxba gacanta ugu jirin, iyaga oo weliba ku cabanaya inay intaa u dheer tahay caga-julayn iyo xadhig ay kala kulmeen nimanka maamulaya qaybinta guryaha bacadlayaasha.

In ka badan laba boqol iyo dheeraad ayey ka kooban yihiin guryaha cusub ee laga dhisay suuqa idaacadda, waxayna guryahaasi marka lacagtooda la isu geeyo ku kaceen inku dhow ilaa shan boqol oo kun oo doolarka Maraykanka ah, taas oo uu gurigiiba ku qiimaysan yahay inku dhow kun iyo badh doolar, marka lagu daro berendeyaal loo sameeyey guryaha intooda badan. 

Guddoomiyaha L/Qayrta Cas Ee Dunida Oo Itoobiya Iyo Ereteria Kala Hadlaya Sii Daynta Kuman Maxaabiis Dagaal Ah

 

Addis Ababa (W. Wararka): Guddoomiyaha Laanqeyrta Cas ee Adduunka (ICRC), ayaa booqasho hawleed ku joogga dalalka Itoobiya iyo Erateriya, si uu ugala hadlo sii daynta Maxaabiis dagaal oo ay labadaa dal ku kala qabsadeen dagaalo dhexmaray oo joogsaday 2 sanno ka hor.

Inkasta oo xurguftii colaadeed ee ku dhexmartay Itoobiya iyo Eretariya, Xadka u dhaxeeya ay istaagtay 2-sanno kahor, haddana waxay labadaa dal kala hayaan ilaa 2000 oo maxbuus oo intooda badan ay hayso Itoobiya, maxaabiis dagaalna ah.

Mr. Jacob Kellenberger Guddoomiyaha Guddiga Laanqayrta Cas ee Adduunka (ICRC), waxaa kale oo uu kala hadlay safiirkiisan Itoobiya iyo Erateriya, sidii la isugu keeni lahaa kumaankum qoys oo ay colaadaasi kala firdhisay.

In la iskaga safro wadamada Itoobiya iyo Erateriya, ayaan weli la isla ogolaan, sidaas darteed qoysaska ay arrintaasi saamaysay qaarkood, waxay ku kulmaan wadan saddexaad oo aan ahayn labadaa dal.

Mr. Kellenberger, waxaa u qorshaysan in uu safarkiisan kula kulmo Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Melez Zenawi iyo Madaxweynaha Erateriya Isias Afawerka. Haweenay Afhayeen u ah, guddiga Laanqeyrta Cas ee Adduunka Atonella Notari, ayaa u sheegtay BBC-da qaybteeda Afrika oo tidhi; “Waxaanu aad ugu rajo weynahay in si degdeg ah oo aan shuruudi ku xidhnayn loo sii deyn doono, dhammaan maxaabiistii loo Xidhay colaadii dhexmartay Itoobiya iyo Erateriya.”

Notari, waxay intaa raacisay in tirada Maxaabiista dagaal ee ay Itoobiya ka hayso Erateriya ay dhan yihiin 1663, halka ay Erateriya hayso 282 Itoobiyaana oo ah maxaabiis dagaal.

Labada dalba Itoobiya iyo Erateriya, waxay ku saxeexeen heshiiskoodii ku dhexmaray Aljaris sannadkii 2000 in ay sii daayaan maxaabiista ugu xidhan jeelalkooda colaadii dhexmartay ee uu heshiiskaasi soo afjaray.

Ilaa intii ay joogsatay xasaradii iyo colaadii Xadka u dhexeeya ku dhexmartay Itoobiya iyo Erateriya, waxa ay Itoobiya dib ugu celisay Erateriya 1928-qof, halka ay Erateriyana dib ugu soo celisay Itoobiya 5,773-qof oo Itoobiyaan ah.

Qaramada Midoobay (UN), ayaa weli ku hawlan farsamaynta nakhshada khariidadeed ee Xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Erateriya, arrintaas oo ahayd ta keentay dagaal socday 2-sannadood iyo badh oo labada dal dhexmaray.

Rag U Dhashay Ciraaq Oo

Qabsaday Safaaradda Ciraaq Ee Jarmalka

Berlin (Reuters/Al-Jaziira): Rag asal ahaan ay dhalashadoodu ka soo jeedo Ciraaq, ayaa shalay Duhurnimadii galay oo qabsaday Safaaradda Ciraaq ee ku taallay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Qabashada Safaaradda Ciraaq ee Jarmalka oo ay qabsadeen, koox aan hore loo aqoon oo isku magacaabay Mucaaridka Ciraaaq ee Dimuqraadiga ah ee Jarmalka, ayaa waxaa qabsashadooda safaaradda iyo sii hayihii safiirka oo ay afduubeen-ba sheegay booliska Jarmalka.

Falka qabsashada safaaradda Berlin iyo Afduubka saraakiisha Ciraaq, waxaa xubno ka tirsan dawladda Ciraaq ku tilmaameen falal argagixiso, waxaanay falkaa ku eedeeyeen Maraykanka iyo Sirdoonka Israa’iil.

Dawladda Jarmalka, ayaa iyadu canbaaraysay falkaa lagula kacay safaaradda Ciraaq ee dalkooda, waxaanay sheegeen in ay tahay tallaabo ku xad-gudub ku ah dhawrsanaanta diblomaasiyiinta ee sharciyadda Caalamiga ah.

Faakis ay Kooxda Ciraaqiyiinta ah ee weeraray safaaradda Ciraaq ee Jarmalkau ay u direen Reuters, ayay ku sheegeen in falkoodani uu bilow u yahay dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka ah ee dadka reer Ciraaq.

Xubnaha ururkaas afduubay sii hayihii safiirka Ciraaq ee Jarmalka iyo dad kale oo ka shaqaynayay safaaradaasi, waxay ku sheegeen xidhiidh telefoon oo ay la yeesheen idaacadda la iska arko (TV) ee Al-Jaziira, kuna taalla Qadar in aan arrinta ay ku tallaabsadeen lagu tilmaami karin qabsi iyo dil-toona, laakiin ay ujeedadoodu tahay in la xorreeyo dhulka Ciraaq oo keliya.

Wakaaladda Wararka ee Faransiiska (AFP), ayaa laga soo xigtay in Ciraaqiyiinta safaaradda Ciraaq ee Berlin haystaa aanay hubeysnayn iyo in xaaladda dhismaha safaaradda gudaheedu uu hadda deggen yahay.

Deegaanka ay ku taal safaaradda Ciraaq ee Berlin, ayay Booliska Jarmalku ku hareeraysnaayeen, waxaana loo sheegay Wakaaladda Wararka (AP) in qof uu booliska Jarmalku qaylo-dhaan gurmad uga diray Safaaradda dhexdeeda.

Joerg Nittmann oo u hadlay booliska Jarmalka, ayaa sheegay in ilaa 10-qof ay ku sugnaayeen dhismaha safaaradda xilligii la qabsaday.

Iraq National Congress (INC) oo ah, ururka ugu weyn mucaaridka Ciraaq dibadda kaga maqan, ayaa ka soo horjeestay ururka ku dhaqaaqay falka lagula kacay safaaradda Ciraaq ee Jarmalka, wuxuuna sheegay in aanay metalin kanna mid ahayn mucaaridka Ciraaq.

Booliska Jarmalka ee ku gadaaman safaaradda Ciraaq ee Berlin, ayaan sharci u haysan in ay galaan safaaradda ilaa ay fasax ka helaan dawladda Jarmalka.

Malaayiin Qof Oo Reer Zimbabwe Ah Oo Cunto-Yaraani Soo Food-Saartay

Zimbabwe (W. Wararka): “Ilaa 207 ka mid ah beeraleyda caddaanka ah ee Zimbabwe, ayaa la Xidhay ilaa khamiistii toddobaadkii hore, dadkaas oo lagu qasbayo in ay ka tagaan hantidooda iyo beerahooda.” Sidaa waxaa u sheegay BBC-da, mid ka mid ah Madaxda ururada Beeraleyda caddaanka ah ee Zimbabwe oo ka cabanayay hawl-galka uu Madaxweynaha Zimbabwe sheegay inuu dhulka wax laga beerto ee dalkaasi uu dib ugu qaybinayo beeraleyda Madowga ah ee reer Zimbabwe. Laakiin Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa ku tilmaamay gef xadhiga lagula kacay beeraleyda caddaanka ah ee baayac-mushtarka iyo ganacsatada ah ee reer Zimbabwe. Mr. Philip Reeker, Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku, wuxuu intaa ku daray in hawl-galka Mr. Mugabi aanu ahayn mid macno leh oo waxtaraya, laakiin uu yahay mid waxyeelo u keenay beeraleydii iyo shaqaalaha beeraha ka xoogsada, waxaanu Mr. Philip tilmaamay in ay hay’adaha gargaarka aadam-nimo ee Caalamiga ahi ay tilmaameen in Zimbabwe ay dad tiradoodu gaadhayso 6-milyan oo qof ilaa 8-milyan ay soo foodsaarayso cunto-yaraan iyo abaaro.

Ben Freeth oo ka tirsan ururada Beeraleyda caddaanka ah, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Associated Press (AP) in ay tahay xaalad si weyn murugo u leh oo keentay dad laga qaaday hantidoodii oo aan garanayn meel kale oo ay tagaan ama ku noolaadaan.

Arrintan cabashada iyo mushkiladda ku keentay beeraleyda caddaanka ah ee Zimbabwe oo gaadhaya 2900 (Laba kun iyo sagaal boqol) amar uu soo saaray Madaxweyne Mugaabi oo loo qabtay wakhti ay kaga tagaan beerahoodii, haddii kale ay xadhig muteysanayaan ayaa bilowday bishii March 2000, markii madow reer Zimbabwe ahi ay galeen beeraha caddaanka ee Zimbabwe.

2000 – 2002, waxaa rabshado ku dhintay tiro beeraley caddaan ah iyo tiro shaqaalaha beeraha oo madow ah. 9 August 2002, waxay dawladda Zimbabwe u qabatay in ay beerahooda iyo guryahooda oo ku dhexyaal 3000 oo ah beeraleyda caddaanka in ay ka tagaan, laakiin Madaxda iyo xubnaha beeraleyda caddaanka ah ee reer Zimbabwe ee uu sharcigan hanti-wareejinayay, waxay ku doodeen in sifo sharciga iyo xuquuqda dadka waafaqsan aanu ahayn xeerka ay dawladda Zimbabwi dhulka kaga qaadayso.

Marka taariikhda dib loogu noqdo, xilligii ay wadamada Afrika xukumi jireen xisbiyada hantiwadaaga ahi ee inta badan Madax Milateri ah ay xukumi jirtay oo lala wareegay dhul-beereed faro-badan, waxa ka soo baxay wax-soo-saarkii dalalkaas oo hoos u dhacay iyo iyaga oo aan beeraleyda faqiirka ahi inta badan awoodi kareyn maal-gashiga hore ee beeraha.

Qaran-Nimadeena Waxaa Ragaadiyay Hogaamin La’aan

Yuusuf Goodir

 

Sida aynu ognahay qiimaynta casriga ah ee qaranimaddu waxay ka unkantaa midowga dhul, bulsho iyo maamul awood leh (central authority). Labada hore waa ma guuraan, iyadoo ay dhacdo in dhulka iyo bulshada ku nooli u sii kala jajabi karaan qaramo intii hore ka xajmi yar amaba ay midoobi karaan, hadana marwalba wey joogaysaa tilmaantaasi. Ta saddexaad ayuun baa isbedesha oo maanta waxaynu maqalaa qaramo hawl gabay (failed states) sida Soomaaliya iyo Afgaanistaan. Maamul tayo (state policies) lihi wuxuu ka yimaadaa adeegsiga aqoonta (human resources) iyo hab la raaco (system). Halkan waxaan ku eegayaa qaranimadda ka isiran hogaaminta oo ah ta rumaysa dedaalka umadeed.

Laba sababood ayaa baabi’iya qaranimadda kuwaas oo kala ah mid ka timaadda xaga dastuurka iyo ta kale oo ah marka hogaanka qarankaasi gudan kariwaayo xilka loo daba fadhiistay. Tan danbe waa tii baabi’isay hanaankii maamul ee dawladdii Islaamka, halka ta hore ku banaan tahay Midowgii Soofiyati. Dhinaca dastuurka waa marka ay iska hortimaado nuxurka uu xambaarsan yahay iyo habdhaqanka ku aslan aadamaha.

Aan sawirkaas ku xidhiidhiyo Somaliland iyo xornimaddii aynu qaadanay 1960kii. Inagoo ka mid noqonay xayndaabka qaramadda hawlgabay ayeynu isweydiin karaa sababta, iyo weliba in aynu beegsan karo nolol ku banaan qaranimadda. Guud ahaan sababtaasi waa iyadoo inamaddii xoriyadda isaga danbeeyey ku guuldaraysteen in ay ku abtirsadaan tilmaanta dhabta ah ee tisqaadka ka noqon karta qaranimadda. Taasi waxay noqonaysaa in la helo shakhsiyad soo baxsan oo ku caanbaxda gadhwadeenimo (leadership style). Macnaha eraygaasi waa in shakhsiyadaasi noqoto mid bulshadeeda ka aragti dheer, iskuna wadi karta, taasoo ay weheliso in doonista qofeed ay ka horaysiiso ta umadda. Iyadoo Illaahay aadamaha qaar hibadaa siiyey ayaa hadana ay jirtaa qolyo aan ku soo bixin sida awrtaba aan doobtu uga soo wada bixin.

Marka laysku soo duubo hogaankeenu tan iyo xoriyaddii ma lahayn han ama yididiilo fog, taas oo abuuurta xamaasad ka dharasta xumaanta ugu danbayntana qaabaysa dareen maskaxda biyo dhiga oo ay hagayso danta umadeed. Marka aan suurahaas garab dhigo soyaalka taariikhdeena casriga ah, masuuliyadda siyaasadeed ee ilaa berigaas ina hortaagnayd kuma sifowdo astaantaas. Sida aan aaminsanahay laynagama waayin qaar mawhibaddaa helay waxaase hubantiya in aanay u soo bixin in ay hogaanka qabtaan, amaba ay jiri karto in ay qabteen laakiin ay noqdeen qaar aan doob dilaacsan. Sababtuna ay tahay iyagoo aan fekerkoodu marin maraaxisha keeni karta in dareenkoodu gaadiido. Maraaxishaas waxaa horseed ka ah in uu derso bulshadiisa taasoo uu ku hananayo sidii uu isugu wadi lahaa iyo ka labaad oo ah wakhti badan oo uu ku bixiyo daraasadda marinkii waafiga ahaa ee umaddu horumarka u mari lahayd.

Tan iyo lixdankii siyaasiyiinteenu waxay daba socdeen bulshaddii ay ahayd in ay horgalaan, tusaale ahaan, waxay la qabteen Muqdisho ka dib doonistii shacabka, iyadoo aanay jirin wax ay kaga duwanaayeen shacbiyaddii caadifadda la kacday. Waxay inala sugeen intii Siyaad Barre maleegayey haddimaddii ina gaadhay, isagoo ahaa shakhsiyad jaahil ah sida la xusana bilowgiiba cadaystay qabyaaladda. Dhamaan siyaasiyiinteena oo ciidan iyo rayidba ka aqoon badnaa kuwii Soomaaliya, nasiib darro ayey u ahayd in ay nafohooda la baxsadaan goor xeedhiyo fandhaal kala dheceen ama markii laga badheedhay qabyaaladdii oo ay ka hawl geli kariwaayeen xeryihii ciidamadda, iyo xafiisyaddii ay beri ku naaloon jireen.

Badankoodii waxay ku biireen halgankii ka dhashay shacbiyaddii ku hungowday xoriyadda. Waxay u kala qaybsameen laba qaybood. kuwo si buuxda isu garab taagay bulshaddii, iyo kooxda kale oo halganka dhexdiisii iyo ka dibba hawlgalkoodu dibindaabyo ku ahaa bulshadda. Kuwa ciidanka ahi waxay ku caan bexeen iyadoo la huwiyo weedha “kaadidayda ayaan u soo cabay”, halka kuwa siyaasiyiintana aad ka arkaysid iyadoo la leeyahay “hebel wuu isdaad raacinayaa,” taasoo looga jeedo in ay isu ekaysiiyaan bulshada sidii jirjiroolaha.

Labada aragtiyoodba nuxurkoodu waa danaysi. Kuwa hore garashadoodu waxay siin weyday in halganku ahaa mid shacab oo aan loo kala hadhin. Way ka waynayd duruufihii jiray mid shakhsiyaad guusheeda isku waabi karaan. Ma diidani in la kala mudnaan karo, laakiin su’aashu waxa weeye kuu yahay halbeega wax lagu kala saarayaa?

Qofka garashadda iyo wadaniyaddu riixaysaa wuxuu ka muuqdaa umadda dhexdeeda, gaar ahaan markasta oo uu masuuliyad qabto. Hawlgalkiisuna wuxuu ka isiran yahay karti. Sidaasina waa ta wax lagu noqdo ee sii kordhin karta hanka. Tilmaantaas waxa yeelan kara qof aan isagu doonayn in uu si guracan u adeegsado masuuliyadda uu hayo ama ta uu doonayo in uu qabto. Waa shakhsiyad ku socon karta iftiinka cadaaladda.

Tobankii sano ee Somaliland jirtay ayaa qof waliba tilmaansan karaa habdhaqankii masuuliyiintii soo qabatay xilalka kala duwan. Haddii aynu ka  dhex baadhno masuuliyiintii sida hagar la’aanta ah u soo hawl galay tiro badan noqon maayaan. Waayo sidii lagu xushay ayaan inoo hogaaminayn in dad badan oo xilkas ahi ku soo baxaan. Haddii aan hagar la’aanta ku soo koobo masuul ku sifoobay: karti, habdhaqan aqoomeed (maskax caafimaad qabta; mid aqoontu hagayso), aaminimo, miisaanna ka dhigano masuuliyiin aan tiro badnayn ayaa inoo soo baxaya.

Kuwaas waxaan ka tilmaami karaa dhawr qof oo qadarin inaga mudan sida saddexdii nin ee soo kala qabtay duqa magaalaladda Hargaysa Boobe, Maxamed Xaashi Cilmi, iyo Maxamed Xuseen Aadan oo ahaa maayarka Burco. saddexdaas masuul waxay muujiyeen sida ay uga soo bexeen hawshooda, iyadoo hawlgalkoodu ahaa mid habka caalamiga ah ku qiimaysan. Runtii waxay u taagnaayeen astaanta maamulka sawir maskaxeedka lagu haysto ee loo yaqaan (uthopia). Waxay dabargooyeen musuq maasuqii, habkooda maamulna wuxuu ahaa mid cilmiyeysan (efficiency). Tusaale ahaan, wakhtiga ay shaqayn jireen ayaa ahaa mid ka badan ka caadiga ah, taasoo muujinaysa sida ay u aqoonsadeen qiimaha wakhtigu leeyahay. Waxaan xusuustaa mar uu Boobe soo maray shirkii Boorama isagoo Jabuuti kula soo kulmay diblomaasiyiin kana soo qaaday halkaas taakulayn aan ku wado in uu bixiyey Faransiisku. Qaybka mid ah ayuu soo gaadhsiiyey Boobe shirkaas, runtii berigaas wuxuu u taagnaa iskadaa duqa magaaladda Hargayse’e madaxweynaha wadanka (virtual President).

Waxaa ka mid ah C/qaadir X. Ismaaciil Jirde oo golaha wakiiladda la soo dhex mushaaxay xiliyo adag oo u dhigma kuwii ay ku baaba’een labadii ka horeeyey. Guushaas waxa la wadaaga golaha wakiiladda gaar ahaan kuwii aan danaysan ee dhawrka jeer tanaasulka u sameeyey sidii ay umaddu xasilooni ugu noolaan lahayd. Waxaan aad u jeclaaday sida uu mudanahaasi u lafo guro (analyses) arimaha taaganka ka ahaa golaha dhexdiisa oo uu marwalba ku soo oodmay in sharciga golaha laysula noqdo. Mudane Jirde wuxuu marar badan helay taageeradda dadka wax ku miisaama caqliyadda (logic) taas oo saaxiibkeed ka fogaynaysa cuduradda bulshadeena caanka ku ah.

Halkan aynu isna ku xusno wasiirkii hore ee gaashaan dhiga Cumar Nimcaale (Cumar Yare) oo ahaa ninka qudha ee cadowgeenu u tilmaaman yahay, ninkaas oo ah geesi, waxaynu xusuusan karnaa hadaladdii uu u jeedin jiray cadowgeena maantana waynu qiimayn karaa sidii uu dhawaan uga hadlay ardaydeena la sheegay in ay ku tabaalaysan yihiin Masar iyo weliba taladda qiimaha lahayd ee uu siiyey dawladda kuna wajahnayd booqashaddii safiirka Talyaaniga. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Ducaale ayaa ka mid ah dadka aqoonta iyo aaminimadaba muujiyey.

Haddii xafiisyadeena ay ka hawl galaan tiro badan oo tayadaa lihi waa hubanti in aynu aad uga fogaan lahayn halka aynu maanta joogno. Su’aasha soo degdegaysaa waa sababta ay xafiisyadan ugu urursan yihiin kooxo musuqmaasuqu biyo dhigay oo ay u weheliso aqoon la’aani? Meel ka dhacaasi wuxuu ka yimaadaa siyaasiyiinta wadanka hogaaminaysa oo marwalba doonaya in ay helaan dad fuliya danahooda shakhsi. Waxaa tusaale inoogu filan maayaraddii ka danbeeyey labada masuul ee aan kor ku xusay ee degmooyinka Burco iyo Hargaysa oo heerka musuqmaasuqu ka gaadhay aanay cidna ka qarsoonayn.

Waxaynu ka bogan karnaa duruufaha ka jira garsoorkeena oo madaxweynayaasheenu doonayaan dad liita oo ay abaansadaan. Waxaynu xusi karnaa mudadii dheerayd ee aan golaha wakiiladda la horgayn gudoomiyaha Maxkamadda Sare. Maantana madaxweyne Rayaale inkastoo aynu soo dhawaynayno hawlgalka dib u habayneed ee garsoorka, gudoomiyaha cusubi ma aha kii aynu uga fadhinay. Shalayto fadhigiisu Puntland buu ahaa, dagaalna wuxuu kula jiray qarankeena marka aan ka tago shakhsiyadda isaga dabqaadaysa mashriq iyo maqrib. Waana iska cadaan in aanu ahayn masuuliyad qaranka u gar qaadi karta.

Xeer, xaq iyo garasho midna ma aha qof aan hayn yool (vission) umad lagu hogaamiyo oo doonaya madaxweynenimo, amaba in talada umadeed isaga magan u tahay, iyadoo aanu hore u soo qaban masuuliyad lagu tilmaansado hawlgalkiisa, waxa qudha ee uu iska horaysiinayaana tahay in uu soo halgamay. Iyadoo ay fududay in uu wax ku tilmaansado in aan ujeedadii halganku ahayn ka u dheereeya kursiga hogaaminta. Tilmaan uu bixiyey professor Maxamed Cumar Jiir oo aan xusuusto isagoo ka hadlaya halganka umadduhu galaan ayuu ku xusay in dadka ka soo qayb qaataa xaq u helaan abaal marin, laakiin talada umaddu aanay marna gorgortan gelin.

Iyadoo aanay cidina diidi karin in halgankii SNM xaq u dirir ahaa isla markaana uu guulaystay, ayaanay hadana tisqaadin hogaamintii aynu ka sugaynay hogaankii halganka. Iyadoo ay sababtu tahay in aan masuuliyadda umadeed laysaga xilsaarin sidii ay ahayd. Waxaan dhegaysanayey maalin uu Ibraahim Maygaag Samatar ka khudbadeeyey fagaaraha Daalo ee ku yaal Burco wuxuu xusay in markii la soo galay wadanka 1988kii uu maamulkii ururku kala baahay oo la maarayn kari waayey. Waa mid macquul ah laakiin Ibraahim iyo saaxibadiiba gar ku helimaayaan taas. Sababta hore kacdoonka ururkaasi wuxu la simanyahay qaar badan oo dunida ka soo dhacay, iyadoo weliba kuwan danbe ay ka baaxad weynaayeen.

Talabaadna ururka dhexdiisa waxaa jiray bulsho cadhaysan oo wadaniyad ku sifowda oo goleyaal waawayn oo ururku isugu yimi ka sheegay in gadhwadeenka ururku leexsan yahay. Waxay ku baaqayeen in la sii unko hanaan dawladdeed intaan wadanka la tegin. Ragaas waxaan ka tilmaami karaa Gaariye iyo Hadraawi. Markaas su’aashu waxay imanaysaa madaxdii ururku ma siiyeen wakhti, iyo mudnaan xubnahaas mise hawlgalka ururka waxaa faruur xidhayey ujeedo badan? Marka laysku soo duubo qaranimadeena waxa ragaadiyey hogaamin la’aan. Siyaasiyiinteenu marka laysku daro ujeedo fog ka may lahayn damaca siyaasadeed.

La soco qaybta dambe oo ku saabsan wadciga siyaasadeed ee maanta iyo doorashooyinka.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Wasaarada Waxbarashadu Miyaanay Masuul Ka Ahayn Iskuulka Kala-Baydh Ee Dumay

Sida aynu wada ognahay, Kala-Baydh waxay ka mid tahay meelaha dakhliga ugu faraha badani kasoo galo xukuumadda Somaliland, isla markaana ka kafaysa mushaharka shaqalaha dawlada 80%, iyadas oo ay maalin walba ka soo baxaan dakhli dhan (70 milyan Sh/Sl) ah, halka uu Maamulka Gebilay-na ku leeyahay boqolkiiba toban oo u dhiganta ugu yaraan 7 milyan oo Sh/SL ah, maalin walba.

Haddaba waxay Kala-Baydh, si hagar la’aan ah uga ooman tahay dakhliga intaa le’eg ee maalin walba laga sii sido, kaas oo ah hal bacaad lagu lisay. Waxaanad ka dareei karaysaa dhibaatada sida xooga leh uga muuqata ilihii adeega bulsho, sida; MCH-ka oo albaabadu u xidhan yihiin tan iyo maalintii la dhisay, iyo Iskuulka oo ay wax ku dhiganayeen 400 o arday, kaas oo waqtigan xaadirka ah dumay, iyada oo ay sababta dumistiisu la xidhiidho in waqtigii hay’adda UNDP, kontaraaga dhismaha bixisay la shaxaaday. Taas oo ay sii dumiyeen dabaylihii xagaagu.

Dadweynaha reer Kala-baydh ugama fadhiyaan Maamulka Gebilay inuu wax ka qabto, maxaa yeelay, ma aha mid fikirkiisu ku dhisan Yahay wax-qabad, ee waa mid ku dhisan inuu lacagtaa (percentage) ah u geeyo wasirka Daakhliga iwm.

Haddaba, waxaan ku soo koobayaa qoraalkaygan Wasaaradda Waxbashadu miyaanay ka mas’uul ahayn iskuulkaa dumay ee ay u baahan yihiin 400 ee carruurta yar-yar ahi.

Maxamed C/laahi Bookh, Kala-baydh.

Laanta Af-Soomaaliga Ee BBC-Du Maaha Sidii Hore

Idaacadda BBC-du, inkasta oo ay tahay mid ku lifaaqan falsafad reer Galbeed, oo kolleyba ay Qaaradda Cagaaran ee Afrika ee weli aan ka dul-boodi khaydka ama diillinta dib-u-dhaca aan dani ugu jirin. Haddana qaybta ku hadasha Af-Soomaaligu, ma aha sideedii hore.

-          Aniga oo aan caadifad ku socon oo dhex ah, meeshan waxaan u arkaa meel la rays-daraysay oo dad ciil u qabay ay ku kala tageen, isla markaana la karaamo guuriyay oo nuxurkii iyo xarragadiiba ka tagtay. Qof walba waa u furan tahay inuu ku qayliyo, haddii uu arko wax cid aan lahayni qaadanayso.

-          Marnaba ima muuqato wax aan gar ku siiyo dadkan codka rooxaanta luloonaysa leh, ee waxay ku hadlayaan aanan fahmin. Anigu ma garanayo; “Gabar Canbuur xiran ayaa aroortay.” Balse waxaan garanayaa qof wax laga garto oo ah mid aan nagu cusbayn oo ah kii lagaga hadli jiray Idaacaddan Bud-dhigeedu ahaa Somaliland markii la aas-aasay, ee uu ka hadli jiray Marxuum Xaaji Cabdi Ayuub.

-          Waxaan filayaa in BBC-du marayso waqti ka mid ah waqtiyadii ay ugu dhadhanka darrayd, ee ay ugu xiisaha yarayd. Haddana waxa aad loogu baahan Yahay cid sidan wax ka beddesha, oo wax waliba siday ku wacan yihiin eegta.

-          Anigu ma ihi nin weriyenimo u doodaya, laakiin waxaan la yaabanahay Yuusuf Garaad-kan meesha ka soo buuxiyay dadka aan la garanayn siday u qaddimayaan wararka, codkooduna soo jiidashada aanu lahayn.

Maxay tahay sababta aan maalin walba u maqalno qof cusub oo u eg mid ku yimi qaraabo-kiil, oo ka dhex yulqamaya BBC-da? Goorma ayay talow istaagi doontaa caddaalad-darrada uu hormuudka ka Yahay wiilka yar ee reer Mudug? Maxay tahay sababta ay ukala bateen labada waqti ee Hargeysa iyo Xamar?

C/raxmaan Cabdillaahi Cali (Hargeysa).

Cabasho: Beesha Gabooyaha Burco

 

Haddii aanu nahay odayaasha, hoyooyinka iyo dhallinyarada beesha Gabooye ee Burco, Waxaanu ka cabanaynaa dhulkayagii oo la mariyay Cagaf-cagaf, wax dhul oo beddel ahna aan nala siinin markii uu maayorka cusubi dumiyay, waxaana ka soo wareegtay bil. Sidaa daraadeed, Waxaanu u sheegaynaa dawladda dhexe in dadkii laga dulmiyay dhulkoodu ay wadhan yihiin dibedaha, carruur iyo cirroorelaba Waxaanu xukuumadad ka codsanaynaa in si deg-deg ah wax looga qabto arrintayada.

ODAYAAL

1.       Nabadon Saxardiid Faarax Budeeye

2.       Chief Caaqil Ismaaciil Mire Qoondheeye

3.       Caaqil Maxamuud Cade Geedi

4.       Caaqil Maxamed Iidaan Xoogeed

5.       Caaqil Daray Maxamuud Axdar

6.       G. Ururka Dhallinyarada, Maxamed Faarax Goodir

7.       G/Ku Xigeen Ururka, Cawil Maxamed Samatar.

DHALLINYARADA

1.       Maxamed Faarax Goodir

2.       Cawil Maxamed Samatar

3.       Booc Indha-Yare

4.       Cabdi Jaamac Dheeg

5.       Mustafe Dude

HOOYOOYINKA

1.       Cibaado Diiriye-Yare

2.       Milgo Colaad

3.       Faadumo Saalax Xasan (Indha-Cas)

4.       Ardo Cali Sanbuul

5.       Gaasira Axmed.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Horyaalka Talyaaniga Oo

Laba Toddobaad Dib Loo Riixay

 

Milan (Reuters) – Kooxaha ciyaaraha Talyaaniga ayaa Salaasadii shalay isku raacay in muddo laba toddobaad ah dib loo dhigo waqtigii rasmiyan ciyaaruhu u furmi lahaayeen, kadib markii lagu heshin wayay xuquuqdii Telefishanada. Sidaana waxa shalay daboolka ka qaaday Guddoomiyeyaasha kooxaha.

Horyaalka kubadda cagta Talyaaniga ayaa loo codeeyay inuu bilaabmo 15-ka bisha September 1-deeda. Tallaabadani waxay ka dambaysay markii siddeed ka mid ah kooxaha ugu yar-yar ee horyaalka Serie A ay ku guulaysan waayeen inahy ilaa hadda iska bixiyaan kharashka Telefishanka ee sannadka soo socda.

“Waxaanu bilaabaynaa 15-ka Septemberoo ku beegan isku-aadka wareega labaad ee horyaalada Yurub,” sidaa waxa hyidhi Attilio Romero oo ah Guddoomiyaha Torino.

Tartanku wuxuu bilaabmi lahaa 1-da September, laakiin ma dhacayaan ciyaaro, maxaa yeelay waxa ku beegan tahay waqtiga xulka qaranka Talyaanigu Azerbaijan la yeelanayo kulanka Isreebreebka qaramada Yurub oo ka dhacaya Baku siddeeda (8) September.

Ciyaaraha Talyaaniga oo ay sannadkan ku habsatay caqabad dhaqaale-xumo, ayay ilaa hadda kooxaha bixin kari waayay xuquuqda Telefishanku waxay kala yihiin; Atalanta, Brescia, Chievo, Como, Empoli, Modena, Perugia iyo Piacenza. Kooxahan ayaan midkoodna fulinin heshiisyada mid ka mid ah macaamiisha labada kalan ee Talyaaniga, ee kala ah; Telepiu iyo Sreem. Taas oo keentay, in kooxaha lagu cadaadiyo dib-u-dhiga muddada tartanku bilaabmi lahaa.

Kooxahaas waxa mid kasta laga rabaa 10 (toban) milyan oo Euro, ama $9.84 milyan. Lacagtaas oo ah kharashka tooska loogu baahiyo ciyaaraha gurigodoa ka dhacaya xilli-ciyaareedkan.

Kooxaha Talyaaniga ayaa keli-keli ula heshiiya shirkadaha Telefishanada, taas oo ay kaga duwan yihiin waddamo badan oo ay ka mid yihiin; England, oo iyaga oo kooxuhu midaysan ay heshiisa la galaan horyaalka.

Horyuaalka Talyaanigu, waxa kale oo uu ku guul-daraystay inuu heshiis la galo warbaahinta dawladda ee RAI.

Carqaladda bixin la’aanta xuquuqda Telefishanku waxay noqotay mushkilad ku baahday Yurub, sida kooxaha Germany (Bundesliga), iyo badiba kooxaha England ee heerka kowaad, labaad iyo saddexaadba, kuwaas oo ka cabanaya hoos u dhac ku yimi dakhligoodii, kadib markii culays kaga yimi kirada warbaahinta.

Go’aanka kooxaha Talyaanigu, waxay isku maalin dhaceen, saddex heshiis oo kooxda Talyaaniga ee Lazio ku dhaqaaqday xilli-ciyaareedkan, oo gaashaanka ku dhuftay xidhiidhka kubadda cagta ee Talyaaniga.

War-murtiyed ay soo saartay guddidu, ayay ku sheegtay inaan loo oggolaan heshiiska ay kula wareegtay ciyaartoyga kala ah; Christian Manfredini iyo Eriberto, oo ay Chievo kala soo wareegtay, iyo Massimo Odo oo ay Verona ka soo kaxaysatay.

Sharcigan macnihiisu wuxuu noqonayaa in saddexdaa ciyaartoy mid waliba uu hadda ku laaban doono kooxdiisii hore, haddii kale ay hadda heshiis cusub ku yimaadaan Lazio, ama ay heshiis buxa ku gaadho inay awood u leedahay bixinta kharashka ciyaartoygaas.

Oddo, hadda wuxuu tabobar la qaadanayaa xulka Talyaaniga oo Arbacada kulan saaxiibtinimo la yeelanaya Slovania, si loo tijaabiyo awooda qaranka. Hase yeeshee, hadda lafteeda wuxuu awoodaa inuu ku laabto Verona oo dib ugu siibatay koxaha derejada hoose (Serie B).

Baalasha Manfredini iyo Eriberto, oo reer Brazil ah, oo ahaa labada fure ee ciyaartoyga Chievo u sahlay inay horyaalka ka gasho kaalpinta shanaad oo ay kaga qaybgelayso tartanka Yurub (EUFA Cup). Hase yeeshee, Lazio diyaar uma aha inay wax faallo ah ka bixiso arrintaa.

Tababare Houllier Oo Ku Taliyay In Aan La-Hadidin El-Hadji Diouf

 

Madaxa kooxda Liverpool Gerard Houllier ayaa rumaysan in weeraryahanka cusub ee Senegal El-Hadji Diouf, aanu biyo kulul ku dhex ridin rajaadiisa ciyaarah horyaalka Ingiriiska ee uu ku cusub Yahay.

Tabobaraha Faransiiska ah, oo daba-socda eedayn loo soo jeeidyay ciyaaryahanka sannadka ee Afrika, intii lagu jiray kulankii bilowga horyaalka oo ay 1-0 kaga badisay Aston Villa, Axaddii ayaa ku taliyay inaan la baqdin-gelin ciyaartoyga.

Diouf laftias ayaa kaadh digniin ah qaatay, markii 18 daqiiqadood oo keliya ciyaartu socotay, taasina waxay keentay taageerayaasha oo bar-tilmaameed ka dhigtay dhalleecaynta Diouf.

Ninka faraha lagaga gubtay oo 10 milyan oo gini ku jooga kooxdu, wuxuu bar-tilmaameed u noqday difaaca Aston Villa oo imtixaan ku noqday. Dhacdadaasi waxay ka cadhaysiisay taageerayaasha uu gurigooda ka ciyaaro.

Hase yeeshee, Houllier wuxuu rumaysan Yahay in Diouf lagula kacay colaad aan loo miidaan deyin, wxuuna yidhi; “Dadku si aan xaq ahayn yaanay ula dhaqmin, digniinta la siiyayna waxay ka dhalatay markii cadaadis badani ku yimi. Taasina waxaa jawaab u noqotay cadhada uu muujiyay.”

Houllier, wuxuu sheegay in garsooruhu canaantay ciyaartoyga, oo uu ku yidhi; mar dambe lama hadli kartid ciyaartoyga.

Tabobaruhu wuxuu qiray, haddii dhacdadaasi la kulanto mid kasta oo ka mid ah ciyaartoyga Ingiriiska ka ciyaarta , inay hubaal tahay inuu ku dhaqaaqi lahaa sidaa iyo si la mid ah.

“Haddii ciyaartoy Ingiriis ah lagula kaco khaladaadka badan ee lagu falo, waa shaki la’aan in tan oo kale dhici lahayd,” ayuu yidhi.

Isla maalintaa Diouf, nin ay qaranka u wada ciyaaraan Aliou Cisse, oo laga saaray kulankii Arsenal, ayaa muran dhaliya. Taas oo markhaatiga Telefishanku bixiyay muujiyay inaan xidhiidhba dhexmarin isaga iyo Ashley Cole.

Gerard Houllier, wuxuu si deg-deg ah u difaacay falalka khaldan ee lagula kacayo ciyaartoyga laajiga ah ee ka bilaabmay horyaalka England.

Tabobare Houllier, wuxuu tilmaamay cadho ka muuqatay Diouf wejigiisa, balse wuxuu ku daray in uu u caqli-celiyay waqtigii nasashada.

Tabobare Houllier, wuxuu amaanay dedaalka Diouf muujiyay muddadii uu la joogay, taas ouu sheegay inay keentay colaada lagu kacayo.

Dhinaca kalena, ciyaaryahanka Liverpool ee Hamman ayaa ku taliyay inaan la takoorin ciyaartoyga cusub ee aan weli la qabsan hannanka ciyaaraha Ingiriiska.

Taageerayaasha kooxdu, waxay ciyaartoyga ku eedeeyeen inuu markasta doonayo fursad bannaan oo kubadda uu ku laado, taas oo Hamman dedefeeyay jiritaankeeda, isaga oo ku macneeyay khibradda ciyaaraha Ingiriiska oo ku yar darteed, inuu weli isticmaalayo farsamooyin ka duwan qaabka kooxda.

Hamman wuxuu intaa ku daray in Diouf muujiyay dhaq-dhaqaaqyo badna oo fiican, isga oo weliba tilmaamay inuu kulamo yar kadibna ciyaar sidaa ka sii fiican muujin doono.

“Ronaldo Sannad Kale Ayuu Noo Ciyaarayaa”

Massimo Moratti

 

Milan (Reuters) – Guddoomiyaha Inter Massimo Moratti, ayaa sheegay in xiddiga koobka adduunka ee Ronaldo sii ciyaari doono sannad kale tartamada Talyaaniga, kahor intaanu tegin. Balse ciyaartoyga Brazil ayaa isna caddeeyay inuu go’aansaday joojinta ciyaaraha Talyaaniga.

“Haddaad rabto inaad ogaato waxay sheekadani ku dhammaatay, Ronaldo wuxuu noo ciyaarayaa sannad kale oo dheeraad ah,” sidaa waxa Salaasadii daabacay Wargeyska Gazzeta Dello Sport.

Ma cadda waqtiga waraysigan la qaaday inay kahorraysay amaba ay ka dambaysay markiRonaldo soo saary bayaan uu ku caddaynayo go’aankiisa uku doonayo dhammaadka waqtigii uu Milan joogi lahaa.

“Dabcan waxa jira sababo aan tegitaanka u doonayo, caddaymana waan u hayaa. Koxdu way ogtahay kuwa ay yihiin… loomana baahna inaanshaaaca ka qaado,” ayuu yidhi Ronaldo oo kujira tabobar uu isugu diyaarinayo kulan Arbacada dhexmaraya Brazil iyo Paraguay.

Ronaldo wuxuu ku biray Inter 1997/1998, oo uu uga soo wareegay Barcelona, bale waxyar uun buu ciyaaray saddexdii xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyay oo uu dhaawac ragaadiyay. Heshiiskiisuna wuxuu ku eg Yahay sannadka 2006.

Waxa jira warar sheegaya in sanadkii ugu dambeeyay Ronaldo iyo tabobaraha Argentine Hector Cuper, xidhiidhkoodu xumaaday. Hase yeeshee, Hector Cuper, ayaa beniyay inaan wax dhib ahi u dhaxayn labadooda.

Haddii Ronaldo ku adkaysto inuu ku negaado Inter, waxay nefis u noqonaysaa taageerayaasha.

Ronaldo, oo weriyeyaasha u waramay Isniintii oo uu waqti dambe galay Fortaleza, kadib markii uu lumay qorshihiisii Rio de Janeiro, oo uu gallaafaty khalad taraafig oo dhacay.

Ronaldo wuxuu sheegay, inaanu u diyaarsanayn inuu safto. Sidaa darteedna, aanu ogayn inuu ciyaari karo kulankaa iyo inkale.

New Castle Oo 4-0 Ku Dhirbaaxday Westham

London (Reuters) – Laba gool oo uu iska daba dhaliyay weeraryahanka Lomano Lualua, ayaa horseeday in Newcastle United ku dur-duriso Westham oo ay 4-0 ku jiidhay kulankii habeen hore dhexmaray oo ahaa furitankii horyaalka waddankaa.

Afarta goolba waxay dhasheen qaybtii dambe ee kulankii ka dhacay St James Park. Dhinaca Bobby Robson oo filaya inay xaqiijinayaan horumar ka wen kaalinta afraad oo ay kal-hore gashay.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee Jamhuuriaydda Dimuqraadiga Congo, wuxuu Newcastle u furay wadada guusha daqiiqadihii 61aad iyo 72aad, kahor intii aanu weeraryahanka Alan Shearer u saddexayn daqiiqaddii 76aad.

Sidoo kale, ciyaaryahanka reer Peru ee Nolberto Solano ayaa goolka afraad ku dhammastiray daqiiqaddii 86aad.

Shanta kooxood ee kalhore hoggaanka hayay, ayaa dhammaantood ku guulaystay kulamadii ay yeesheen.

Horyaalka sannadka (Arsenal), Liverpool, Manchester United, Leeds United iyo Chelsea, dhammaan way guulaysteen.

Tabobare, Robson, ayaa xiddigii ciyaarta kutilmaamay Lua-Lua. Robson, wuxuu ku suureeyay mid qaali ah oo xoog badan, oo aan la saadaalin karin sidas uu yeeli doono.

“Ma jirto cid og wuxuu samayn doono, anigu ma ogi, isaguna ma oga, cid kalena hadalkeeda daa,” Robson ayaa sidaa ugu warramay Telefishanka Sky Sports.

Newcastle, inkasta oo ay ka maqnaanayaan Gary Speed, Craig Bellamy iyo Carl Cort, oo dhammaantood dhaawacnaa, hdaana waxay muujisay ciyaar-wanaag bilowga qaybtii labaad.