Haatuf, Cadadki 143, Aug.23, 2002 Dood Lagu Fallan-Qeeyay Ictiraafka Somaliland Iyo Saamaynta Soomaaliya Waxa foodda isku daray Diblomaasiyiinshisheeye ah, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin Somaliland ah Hargeysa (Haatuf): Dood iyo soo-jeedimo talo oo ku saabsan arrinta Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsiga Caalamiga ah ee Dawlad-nimada Somaliland, ayaa habeenimadi Khamiistii lagu qabtay xarunta Akademiyada Nabadda Iyo Horumarinta ee Hargeysa. Kulankaas oo ay ka soo qayb-galeen Mr. David Shinn oo ah Diblomasi Maraykan ah oo u dhuun-daloolla arrimaha Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaalida iyo Jim Karygainnis oo ah Mudane ka tirsan baarlamaanka Kanada, wasiiro ka tirsan Dawladda Somaliland, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano. Waxaa qaban-qaabisay Akadimayadda Nabadda iyo Horumarinta ee xarunteedu tahay magaalada Hargeysa. Dooddan oo u badnayd arrinta aqoonsiga Somaliland, waxaa kale oo lagaga hadlay dhinacyada horumarinta iyo ka hortaga cudurka halista ah ee (HIV). Doodaa oo lahayd ahmiyad weyn, waxaa hoggaaminteeda iyo fahamka hab-socodkeeda hoggaaminayay Agaasimaha Akadamiyada Nabadda iyo Horumarinta Dr. Bulxan. Mr. David Shinn, diblomaasiga Maraykanka ah ee doodaas ka qayb-galay oo talo ka bixiyay, sida ay Somaliland aqoonsi ku heli karto, ayaa sheegay in Somaliland ay muhiim u yihiin in ay ka dhaadhiciso qadiyadda dawladnimadeeda dalalka Afrika ee siyaasad ahaan mudakarka ah iyo in masuuliyinta, muwaadiniinta iyo aqoonyahanada Somaliland ay yihiin kuwa ay tahay in ay u hawl-galaan, si ay Somaliland aqoonsi ku heli lahayd. Mr. David Shinn, wuxuu markii ugu horeysay arrimaha Soomaalida uu ku qaatay Qoraalkiisii buugga Somalia Greater Movement, isagoo markaa ka tirsanaa Jaamacadda George Washington ee dalka Maraykanka, sannadkii 1963. 1969 – 1971, waxa uu yimid Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan xafiiska u qaabilsan Arrimaha Soomaalida. 1970-kii, David Shinn markii ugu horeysay ayuu yimid Hargeysa. David Shinn, isagoo ka hadlaya muhiimadda daleed ee Somaliland, wuxuu yidhi: “Aqoonsi ama aqoonsi la’aan, Somaliland waa qabcad muhiima oo ku taalla geeska Afrika.” Mr. David Shinn, wuxuu tilmaamay in Somaliland ay saamayn ku yeelatay xaaladaha ka jiray Gobolka Geeska Afrika 50-kii sannadood ee tegay oo ahaa khilaafyo iyo iska horimaadyo la xidhiidha dhinacyada xuduudaha, biyaha iyo daaqsinta xoolaha. Khilaafyadaas oo la odhan karo waxay ahaayeen, kuwii ugu xummaa Afrika oo dhan, taas oo ay Somaliland la soo deristay qaybteeda mushkiladihii ka dhashay iska horimaadyaddaa iyo khilaafyadaa ka dhacay Geeska Afrika. David Shinn, isagoo ka hadlaya sababta aanay dawladda Maraykanka iyo dawladaha kale ee Yurub aanay uga hadlin, ama ay u aqoonsan la’ yihiin Somaliland, waxa uu sheegay in ay tahay xeerka ku yaalay Jaartarkii Afrika ee sheegayay in aan wadamada Afrika laga bedelin xuduudihi ay mustacmaraduhu kaga tageen wadamada Afrika. Arrinta sida ay qadiyadda Somaliland u khusayso Jaartarka (OAU), waxaa dood ka duwan sida uu u arkay David Shinn doodaas iyo fikir is-weydaarsigii ay habeenkii Khamiisti oo ahayd 21 August, ka dhacay xarunta Akadamiyada Nabadda iyo Horumarinta ee Somaliland ka soo jeediyay Wasiirad ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Guddoomiyaha ururka KULMIYE, Mr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay labaduba sheegeen in jaartarka OAU-da Qodobkiisa xuduuduhu aanu ahayn mid wax u dhimaya aqoonsiga Somaliland, laakiin marka loo akhriyo siduu ugu qoran yahay Jaartarka OAU-da, in Somaliland ay waafaqsan tahay xuduudihii ay isticmaarku kaga tageen Afrika oo ay ku fadhido xuduudii British Somaliland Protectorate. Mr. David Shinn, wuxuu tilmaamay in haddii ay Somaliland wada-jir ahaan ugu guuleysato doorashooyinka soo socda ee ka dhacaya in ay noqon karto dhambaal wanaagsan oo ay Somaliland u dirtay dunida, noqonna kara mid ka caawiya Somaliland siyaasadeeda mustaqbalka. Agaasimaha Akedamiyadda Nabadda iyo Horumarinta, Dr. Bulxan, ayaa kadib hadalkii uu soo jeediyay Mr. David Shinn, isna ka hadlay doodiisa iyo aragtidiisa uu ka qabo Aqoonsiga Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in aan loo arkin in Muqdisho ay tahay halka saldhigga u haya aqoonsiga Somaliland, laakiin ay Somaliland hore wax badan u qabsatay, haddana ay qabsan doonto wixii ka dhimman, sida aqoonsiga. Dr. Bulxan, wuxuu dhaliilay is-dhaafkii ka soo baxay wefdigii ka yimid Muqdisho ee yimid Hargeysa oo uu yidhi; “Markii hore waxay yidhaahdeen waxaanu nahay shakhsiyaad madaxbannaan, markii dambana C/qaasim ayaa yidhi; anigaa diray oo ay iga socdeen.” Dr. Bulxan oo sii wata hadalkiisu wuxuu yidhi; “Waxay u muuqataa doqoniimo ogolaanshihii aynu ogolaanayn in ay Somaliland yimaadaan, waa kuwaa kuwa ay duniduna ina leedahay la hadla.” Dr. Cali Qaadi oo ka mid ahaa Aqoonyahanadii ka soo qayb-galay doodaas, ayaa su’aal iyo soo-jeedin isugu daray oo sheegay in aan shuruudo lagu xidhin dalalka kala goo-go’ay ee Yurubtii Bari iyo Ruushka oo markiiba si deg-degga loo aqoonsaday, sidaa si le’eg ayay Masar iyo Suuriya midoobeen, haddana way kala noqdeen Yurub iyo Maraykankuba si degdegga ayay u aqoonsadeen. Dr. Cali Qaadi, wuxuu kadib soo jeediyay su’aashan ah, “Maxaa loo Aqoonsan la’ yahay Somaliland?” Isagoo sii wada su’aashaa, wuxuu raaciyay Dr. Cali Qaadi; “Ma waxaad u jeedaan waxaad tihiin Afrikaan oo ma lihidin awood aad ku maamushaan dawladnimada.” Dr. David Shinn oo ka jawaabayay su’aasha Dr. Cali Qaadi iyo kuwo la mid ahaa oo ka qayb-galayaasha doodaasi ay halkaas ka soo jeediyeen, ayaa sheegay in isagu aanu ahayn hadda Masuul xil ka haya dawladda Maraykanka, su’aal ku socota dalalka Yurubna aanu isagu jawaab ka bixinayn, laakiin uu rumaysan yahay in sababtu ay tahay in aqoonsiga Maraykanka iyo Reer Yurub ay ka shidaal-qaadanayaan Jaartarka OAU-da iyo tallaabada ay dalalka Afrika iyagu ku tallaabsadaan dhinaca aqoonsiga Somaliland. Sida la ogsoon yahay David Shinn, mar wax laga waydiiyay arrimaha Soomaaliya, wuxuu ahaa ninkii u soo jeediyay dawladiisu in ay xafiis ka furato Somaliland. Waxaa kale oo uu ka qayb-qaatay tallaabooyin dalkiisa iyo dalal kaleba loogu soo bandhigay xaqaa’iqa ay Somaliland kaga duwan tahay Soomaaliya. Mudanaha ka socday Baarlamaanka Kanada Mr. Jim Karygainnis, wuxuu isagu ka sheegay halkaa in aanu ahayn socdaalkiisu mid rasmiya, laakiin uu yahay booqasho khaasa oo soo martiqaadeen dadka deggan halkaas ee asal ahaan u dhashay Somaliland. Waxaanu yidhi, Mr. Jim Karygainnis; “Waxaan arkay dal nabadda, dal aan helin caawimo badan oo Caalamiya, waxaan arkay wadan ay dadkiisu la hirdamayaan hagaajinta noloshooda, iyagoo ku faraxsan sida ay wax uga qabsadeen dalkooda.” Mr. Jim, wuxuu intaa ku daray inuu isagu gudbin doono wixii uu ku arko Somaliland oo u gudbin doono dalkiisii. Kadib hadalka Mudanaha ka socday Baarlamaanka Kanada, waxaa halkaa ka soo jeedisay hadal ku jiheysnaa Mudanaha reer Kanada. Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah, Wasiirada Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Bulshada ee Somaliland, ayaa iyana ugu horeyn waxay u soo jeedisay mahad-celin diblomaasiga Maraykanka ah ee ka soo qayb-galay kulankaas Mr. David Shinn iyo Mudane Jim Karygainnis oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Kanada, intaa kadib waxay halkaa ka soo jeedisay hadal ay fariin ahaan u faraysay Mudanaha reer Kanada, waxayna tidhi: “Somaliland waa dalka ay magaaladiisan Hargeysa oo keliya hadda ay ku noolyihiin Milyan badhkii oo dad ah, ama ilaa 600,000 (Lix boqol oo kun), halka ay Hargeysa 10,000 (Toban kun) oo keliya oo dad ahi ay Hargeysa ku noollaayeen 10-sannadood ka hor; waa dalka aad ku arkayso Jaraa’id faro badan oo ku qoran yihiin fikrado iyo aragtiyo kala duwan. Somaliland waa dalkaa ay dadkiisu isku duuban yihiin ee ay ka jirto dimuqraadiyad aan ka jirin dalal badan oo dunida ah, iskuna magacaaba Dimuqraadi. Somaliland waa dalka leh, dhaqaale koraya taagta uu doono ha yeeshee, Somaliland waa dalka aniga oo ah qof Dumarra aan gaadhigayga iska kaxeysan karo, meesha aan doonnana aan mari karo, iyada oo aanan wax cabsiya qabin cid i dhibaateysana aanay jirin. Waa dadka reer Somaliland, kuwa sameeyay jawigaa nabadgelyo ee aan sida u socon karo. Somaliland wa dalka ay ilaa hadda dunidu dhagaha ka xidhatay. Somaliland waa dal jiray sannado badan ka hor intii anay xorriyadda qaadan wadamo badan oo ka mid ah, xubnaha OAU oo diiddan inuu aqoonsado Somaliland. Waxaan rumaysanahay Somaliland oo la aqoonsan waayo dawladnimadeeda marka laga hadlayo dimuqraadiyad. Wadamada horumaray, waxa la mid tahay, iyadoo la aqoonsan waayay wadan tusaale fiican u noqon kara in ay ku daydaan wadamo badan oo Afrikaan ahi. Waxaan rajaynayaa in aad arrimaha naga gudbin doonto, waxaan rajaynayaa in aad si run ah ugu gudbin doonto dalkaaga, xaqaa’iqa aad ku aragtay Somaliland. Dr. Edna Aadan Ismaaciil, waxay intaa ku dartay in ay ku kalsoon tahay in doorashooyinka soo socda ee ka dhici doona Somaliland, ay u dhici doonnaan si wanaagsan. Dhinaca kale, Guddoomiyaha ururka KULMIYE ee Somaliland, Mr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in fikir ay qabaan dadka qaarkii ee ah in ay Somaliland wax ka qabato mushkiladaha ka jira Soomaaliya oo ka qayb-qaadato qaboojinta colaadda ka jirta halkaa iyo heshiisiinta dhinacyada colaaddaa uu yahay mid aan xilligan suuroobayn, laakiin haddii marka hore la aqoonsado ay u suuro-gelayso Somaliland in ay wax ka xaliso. Mr. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu intaa ku daray in aqoonsigu uu yahay arrinta ugu muhiimsan Somaliland ee ah nolosha dadka reer Somaliland iyo in aqoonsiga Somaliland uu yahay guusha halgankii ay soo galeen Shacbiga reer Somaliland. Guddoomiyaha ururka KULMIYE, waxaa uu intaa ku daray in ay Somaliland uga baahan tahay Caalamka, gar-gaar caawimo ah iyo mid horumarinta ah. “Waxaanu nahay dad nabadeed, waxaanu nahay dad sidooda iyagu wax u qabsan kara (Somaliland), waxaanu ka doonaynaa in Caalamku uu na siiyo taageero buuxda oo ah dhinaca horumarinta.” Sidaa waxaa ugu baaqay Caalamka Guddoomiyaha ururka KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlayay dooddii arrinta Somaliland iyo Soomaaliya ee ka dhacday Akadamiyada Nabadda iyo Horumarinta ee Hargeysa. Waxaa kale oo kulankaas, hadaladii uu ka soo jeediyay ka mid ahaa in Somaliland ay hadda ku jirto diyaar-garowga tartanka doorashooyinka Xisbiyada, kaas oo ay ku dhisayso Somaliland mustaqbalkeeda, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi; “Waxa aanu dunida weydiisanaynaa, haddii aanu Somaliland nahay, waa cadaalad iyo xaqaa’iqa jira oo la isku qiimeeyo.” Dadka Reer Gebilay Oo Si Ba’an Uga Dayriyay Doorasho Deegaankooda Ka Dhacda Gebilay (Haatuf): Wefti toban xubnood ka kooban oo golaha Guurtida Somaliland ka tirsan ayaa Arbacadii doraad ee Ogost 21,2002 socdaal hawleed ku tegey degmada Gebilay oo ku taal galbeedku Hargeysa, kana tirsan gobolka Hargeysa, weftigaas oo isla Arbacadii doraad ka ambabaxay magaalada Hargeysa waxay ka mid ahaayeen dhawr kooxood oo wufuud golaha Guurtida ah oo u kala baxay gobolada iyo degmooyinka Somaliland, kuwaas oo ujeedada socdaaladooda lagu tilmaamay wacyi-gelin ku saabsan arimaha doorashada oo dhinaca dadweynaha ah, sidaa darteed weftiga Guurtida waxay Arbacadiiba shirar foodda is dareen dhinacyo ay ka mid yihiin: maamulka degmada, hogaamiyayaasha bulshada, ururada bulshada iyo qaar ka tirsan ururada siyaasadda ee Xafiisyada ku leh Gebilay, shirarkaasna waxa lagu fallan-qeeyey mawduucyo ku saabsan arimaha doorashooyinka dawladaha hoose ee lagu dhawaaqay in la qabanayo dabayaaqada bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa. Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa warbixin nooga diyaariyey sidii ay u wada hadleen Reer-gebilay iyo odayaasha guurtidu, doodihii dhex-maray labada dhinac, mawqifkii ay dadka Reer-gebilay istaageen iyo halkii ugu dambayn arinta laga qaadi waayey, waana warbixintii weriyaha oo faahfaahsani: “Kulan balaadhan ayaa Arbacadii lagu qabtay hoolka shirarka ee Xarunta dawladda hoose ee Gebilay, waxaana kulankaa isku horfadhiistay weftiga golaha Guurtida iyo dhinacyada dadka Reer-gebilay, sida maamulka, ururad bulshad, ururada siyaasadda e Gebilay Xafiisyada ku leh, madaxdhaqameedyada, Culimada iyo wax garad badan oo dadweynaha ah. Maayarka Gebilay, XasanXaaji Yuusuf ayaa ugu horayn halkaa ka hadlay, kana warbixiyey xaaladda degmada, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “dhowaan waxa la soo saaray sharciga kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka Soamaliland, welina lama fulin, mudadii doorashadana wax yar baa inaga xiga, waxaana fiicnaan lahayd inay xuduuduhu sugan yihiin, sidaa darteed dorashada oo la qabto waxa ka horaysa xuduudaha la kala cadeeyo, hadii aan xuduudaha la cayimina lagama yaabo inay Gebilay doorasho ka dhacdo, markaa inta aanay doorashadu dhicin nabadgelyada hala hagaajiyo”. Muxumed Aw-Axmed oo ka mid ah weftiga Guurtida ayaa maayarka ka dib hadalka qaatay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “waxa la sameeyey sharci ku saabsan xuduudaha gobolada iyo degmooyinka dalka, sharcigaas oo ay ansixiyeen saddexda gole waa xuduudihii lixdii, kaas ayuun baa lagu shaqaynayaa”, laakiin mudahaasi waxa uu intaa ku daray “Reer-gebilayow doorashada ha ku xidhina arintaa (xuduudda) oo ha odhanina doorasho degmada ka dhici mayso”. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay mudane Yuusuf C/laahi Cawaale oo ka mid ah weftiga Guurtida, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Anagu xisbina uma shaqaynaybo, xisbina ma diidayno, ujeedadayaduna waxa weeye inaynu u gudubno hanaanka axsaabta, dadkana laga dhaadhiciyo oo aynu dib isu abaabulo, anaguna waxaanu u soconaa adkaynta nabadgelyada, doorashaduna waxay ka dhacaysaa lixda gobol iyo degmada Gebilay”, laakiin mudanahani, isaga oo ka jawaabaya sababta ay Gebilay ula mid noqotay lixda gobol wuxuu yidhi “Gebilay waxay ku raacday lixda gobol dhaqaaleheeda, waxa aad tabanaysaana waa dhul dhulna la qaadi maayo oo dhulku wuu joogayaa, laakiin waa inaynu adkayno nabadgelyada, midnimada Qaranka iyo kala dambaynta”. Intaa ka dib waxa kale oo, iyaguna hadalada weftiga Guurtida dodo ka celiyey qaar ka tirsan hogaamiyayaasha iyo wax garadka bulshada Reer-gebilay, kuwaas oo ku cel-celiyey in inta aanay doorashadu dhicin la sugo xuduudda ay degmadani leedahay. Ibraahin Axmed Haybe oo ka mid ah dadka aqoontu leh ee Reer-gebilay, laakiin hadda ka tirsan xisbiga UDUB ayaa ka mid ahaa dadkii madashaa ka hadlay, wuxuuna yidhi “ma filayo inay Gebilay doorasho ka dhacayso ilaa la sugo xuduudaha degmada, waayo maanta waxa meelo badan ka jira khilaaf dhinaca degaanka ah, sida Caadda oo kale, anigu UDUB baan ahay, markaa halkii aan aniga oo UDUB ah iska sharaxi lahaa ee degaankayga ahayd, hadii ay UDUB-ta Boorame dhigato ma ogoli”. Ibraahin waxa uu tilmaamay meelo dhawr ah oo degmada Gebilay ah oo uu khilaaf dhul ka taagan yahay, taas oo uu ku dooday in ilaa mushkiladda muranka degaanka la xalilo aanay Gebilay wax doorasho ahi ka suurta gelayn, laakiin Ibraahin Axmed Haybe, isaga oo tilmaamaya cidda leh xilka kala xadaynta ee aan weli waxba laga qaban, isla markaana dhaliilaya ciddii xilka lahayd waxa uu yidhi “Waxa dhibaatada sababayna waa wasaaradda arimaha gudaha oo aan hawsheedii fulinayn oo hawl-gab ah”. Halkaa markii ay sheekadu maraysay waxa bilaabmay dareen buuq iyo xamaasadi ka muuqato, taas oo ay dadkii Reer-gebilay ee shirkaa fadhiyey ku muujinayeen sida ay ugu adkaysanayaan inaanay doorasho degaankooda ka dhici karin ilaa xal loo helo mushkiladda muranka degaanka, laakiin maayarka ayaa shirkii xidhay cabaar ka dib, wuxuuna shirka ku soo xidhay weedho kooban, isaga oo yidhi “Waa inaanu hadalka Reer-gebilay noqon yooyootan”, laakiin waxa uu maayarka Gebilay intaa ku daray “Gacanta bidix ee wax nalagu siinayo hanalaga daayo hadii aanu Reer-gebilay nahay,” ayuu yidhi, Maayarka Gebilay, isaga oo la hadlaya dawladda, wuxuuna mar kale yidhi “Xukuumaddu Reer-gebilay haka dayso gacanta bidix ee ay wax ku siinayso”. Intaa ka dibna maayarku wuu xidhay shirkii, waxaana shirkaa ka dib weftiga golaha Guurtida loo sameeyey qado, waxayna magaalada Gebilay ku sugnaan doonaan ilaa maanta, iyadoo la filayo inay ilaa maanta uga sii gud-baan dhinaca galbeedka ilaa gobolka Awdal, waxayna Xubnaha weftiga guurtidu kala yihiin: 1-Yuusuf C/laahi Cawaale 2-Muxumed Aw-Axmed 3-Cismaan Guuleed 4-Cali Aadan qalinle 5-Ibraahin Ciise 6-Axmed Xasan Saalax 7-C/risaaq Qawdhan 8-Cali Yuusuf Cali 9- Farxaan Ciise iyo 10-. Ma Runbaa Wasiir Somaliland Ah Ayaa Magangelyo Weydiistay Ingiriiska? Cali Maxamed Waxay Jaaliyadaha Ingiriisku noo caddeeyeen in Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee SomalilandSaleebaan Yuusuf Cali uu si qarsoodi ah qaxootinimo u codsaday isagoo bedelay magaciisii oo sheegtay magac cusub, arintani waxay dhacday jimcihii 16.08.02 isagoo sheegay inay isa sii macasalaameeyeen Wasiirka Arimaha Dibada oo la sheegay inuu ogaa doonista qaxootinimada. Warar xogogaal ahi waxay noo sheegeen in uu wasiirku ka baqay in dawlada uu ka tirsan yahay ku guulaysan waydo doorashooyinka fooda inagu soo haya taasoo ku keenaysa shaqo la,aan. Wasiirku waxa uu cadeeyey in uu sito fiiso lix bilood ah oo cariga Ingiriiska lagu soo geli karo lagagana bixi karo ilaa mudadaasi ka dhamaanayso. Isagoo dadka ku dhowdhow u sheegay inuu Somaliland ku noqon doono marka uu sameysto cinwaan waraaqaha loogu soo hagaajiyo iyo cid wixii looga baahdo u sii wada dabadeedna uu Ingiriiska ku soo noqon doono intaan lixda bilood ee fiisadu dhamaan xiligaas oo uu filayo inuu heli doono sharciga dalka Ingiriiska. Nidaamka ingiriisku qaxootiga u qaabilo ayey suurto gal tahay in qofku marka uu isdhiibo bixi karo iyadoo wixii wara loogu soo hagaajinayo ciwaanka uu samaeysto.Wasiika waxaa laga qaaday faro 10 ka gacmaha si looga soo baadho inuu wadan kale oo yurub ah iska dhiibay iyo sawir nooca taysaraha. Xubno badan oo beesha sool ah ayaa wasiirka u sheegay inuu isdhiibista ka noqdo maadaama uusan qorin magaciisii dhabta ahaa isla markaana cid ogi jirin somaliland iyo Ingiriiska toona iyo weliba dad badan oo ka tirsan jaaliyadaha Somaliland ee carigaa ku nool waayo arintani waxay dhabarjab ku tahay shacabka somaliland wuxuuse ku adkaystay inuu sii wadanayo codsigiisa balse uu dib ugu laaban doono Somaliland maadaama uu haysto waqti badan oo fiisada uga hadhay. FROM: AMOHAMED87@HOTMAIL.COM Ururka ILAYS Oo Dadka Kala Hadlay Kheyriyadda Hargeysa Hargeysa (Haatuf): Ururka ILAYS oo ka mid ah ururada siyaasadda Somaliland ayey hogaamiyayaashiisu shalay markii u horaysay ka hadleen fagaaraha khayriyadda Hargeysa, waxaana halkaa khud-bado qayb ka ah ololahooda siyaasadeed ka jeediyey qaar ka tirsan madaxda ururkaa oo ay ka mid yihiin xoghayaha, gudoomiye-xgeenka iyo ninka uu ururkaasi u calaamadiyey musharaxa ururka, iyadoo ay khud-badaha madaxda ILAYS-ka Somaliland dhegaysanayeen boqolaal dadweyne ah oo fagaarahaa isugu soo baxay. Gudoomiye-kuxgeenka ururka, Axmed Aadan Ismaaciil ayaa ugu horayn ka waramay sidii loo aasaasay ururka iyo marxaladihii uu soo maray mudadii uu jirey, iyadoo markii u horaysay dabayaaqadii sannadkii 2000 ay niman dhalinyaro ahi ururka ILAYS kaga dhawaaqeen magaalada London ee dalka Britain “Waxa nalagu shaambadeeyey niman siyaasiyiin ah oo hore u jirey, laakiin si aanu u tusno dadka inaanu wadano weji cusub ayuu ururku musharaxa ururka u doortay nin dhalinyaro ah oo la yidhaahdo Cumar Dubbe Cali-yare” ayuu yidhi gudoomiye-xigeenka ILAYS. “Ururka ILAYS-ka Somaliland marna kama gorgortamayo jiritaanka iyo qaranimada Somaliland” ayuu intaa ku daray, wuxuuna sheegay Kayse inay doonayaan inay keenaan jawi siyaasadeed cusub iyo inay baadi doonayaan horumar dhinacyo badan leh, “ waxaanu dadweynaha ka codsanaynaa inay xisbigayaga ku qiimeeyaan wax qabadkiisa iyo barnaamijkiisa siyaasadeed oo nalaga daayo nin la yaqaan ma idinku jiraa, waxaanu idinka codsanaynaa nimanka hebelada la yidhaahdo ee inoo horseeday dib u dhaca inaydaan ku soo celin saaxadda siyaasadda”ayuu yidhi, gudoomiye-xigeenka ILAYS. Xoghayaha ururkaa, Cumar Jaamac ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “ma aha inay niman ilaa lixdankii siyaasadda ku soo jirey weligood idin dul-fadhiyaan ee waa inaad tidhaahdaan talada iyo xilka qaranku waa meerto, maantana waxaanu talada u dhiibanaynaa dhalinyarada cusub”. Cumar Jaamac waxa kale oo uu yidhi “Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland waa dad dhalinyaro ah ceeb badan ma leh, waqti yarna talada way hayeen, waxaanuse u sheegaynaa inaanay hantida ummadda u adeegsan danahooda gaarka ah, sida doorashooyinkooda iyo ololahooda siyaasadeed, askarta wasiirada hor fadhiyaana ma aha kuwo ummadda u siman ee wasiir waliba inaadeerkii ayuu albaabka dhigtay dhaqankaana waa in la bedelo, xafiiskana ummadda ayaa leh ee waa in loogu adeego”. Xoghayaha guud ee ILAYS waxa kale oo uu ka hadlay saxaafadda, wuxuuna yidhi: “Ururka ILAYS-ka Somaliland aad buu u soo dhowaynayaa saxaafadda Madaxa banaan, laakiin waxaan leeyahay hagaajiya qiyamkiina, mana aha in lagu xoogsado saxaafadda iyo in si gaar ah loo adeegsado oo Cidii la doono la iska duro”. Ninka uu ururka ILAYS u doortay musharaxa, Cumar C/raxmaan Cali (Cumar Dubbe) ayaa isna ka hadlay, kagana tiraabay ballan-qaadyo badan oo uu sheegay inuu fullin doono hadii uu ku guulaysto tartanka doorashada madaxtinimada, wuxuuna yidhi: “Waxaan madaxtinimada ugu sooban baxay inaan wax idiin qabto, waxaana ballan idiinku qaadayaa dhaqaaleheenna hoos u dhacay inaan kor u qaado oo aan muddo yar oo kooban ku keeno inay xooleheenu heleen suuq, dib dambena aanu iibkoodu u fadhiisan, waxa kale oo aan ballan ku qaadaynaa inaanu Reer-guuraaga dejino, markaan taa leeyahayna waan is hubaa, waxa kale oo aan idiin ballan-qaadaynaa inaanu mashaariic iyo maal-gelin keeno, waar kuwii hore tijaabise na tijaabiya oo eega ama nagula xisaabtama wax aanu qabano”, isaga oo intaa ku daray inuu cilaaqaad la leeyahay dad ajaanib ah oo doonaya inay dalka maal-gashadaan, “Waxaan ballan idiinku qaadayaa inaan keeno rag cilmi leh oo aan ummadda godob ka gelin oo aan qabyaaladda aqoon, anagu ma nihin jimciyadahan kala furfuran ee uu nin waliba qabiilka ku maalayo ee nagu soo biira”. Cumar Dubbe, waxa kale oo uu ku cel-celiyey inuu wax ka qaban doono, horumarna ka abuuri doono, “Waxaan ballan ku qaadayaa koofiyad cad oo I daba orodda inaydaan weligiin igu arag, waayo nin-na ma dilin, godobna dalka kama gelin”ayuu yidhi, Dubbe, wuxuuna intaa ku daray “1950-kii afartii nin England xoriyadda ka doonay waxa ku jirey aabahay, waxaana aabahay laga doortay dooxa Hargeysa, iyadoo aan qabiil lagu doorran, maantana anigu tii baan idinka eegayaa, anagu ma noqonayno dhigtaytar ee saddex sannadood marka aad na eegtaan oo aanu waxba keeni wayno waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu shaqada ka fadhiisan”. “Dawladda maanta joogtana inta uu raggu fagaaraha isugu imanayo, waxaanu leenahay waajibkiina sii guta oo wax taariikh idiin noqda ka taga, bal geedka aad hoos joogtaan kor u eega waxa waraaqo saaran (intuu farta ku fiiqay geed qudhac oo ku yaal fagaaraha khayriyadda), maxaynu u nadiifin magaaladeena”. “Waxaanu u dagaal gelaynaa sidii Somaliland loo ictiraafi lahaa, waxaana ballan idiinku qaadayaa in Somaliland la ictiraafo”. Cumar Cilmi Dixood oo ka mid ah dadka Reer-Somaliland ee Britain degan, kana mid ah dadka qadiyadda Somaliland u dhaqdhaqaaqa, laakiin hadda Hargeysa ku sugan ayaa isna halkaa ka hadlay. Cumar, waxa uu sheegay inaanu ururka ILAYS ka tirsanayn laakii uu Marti sharaf ahaan kaga soo qayb galay munaasibaddan. Cumar Cilmi Dixood waxa uu ka hadlay foo-xumada dhaqanka qabyaaladda, wuxuuna ku taliyey in qabyaaladda laga koro, isla markaana waxa uu tilmaamay in la kobciyo hanaanka xisbiyada, lagana ilaaliyo wixii carqalad ah ee ku iman kara “tartanka doorashada waxa loo baahan yahay inaan la xintamin iyo inaan la is dacaayadayn, inaan hoos la isugu dhigin iyo sare la isugu qaadin, la isuna dul-qaato”ayuu yidhi Cumar dixood, laakiin Cumar waxa uu fagaaraha khayriyadda ka sheegay warar ku saabsan Somaliland oo uu sheegay inuu ka sido dhinaca debedaha, isaga oo ka waramay dhaqdhaqaaqa ka socda dalka Britain ee ku saabsan Somaliland iyo weliba dalka Jabuuti oo uu socdaal ku soo maray, taas oo uu sheegay inay is bedeshay aragtidii siyaasadeed ee Jabuuti ee ku wajahnayd Somaliland. “Wuu is bedelay wejigii hore ee Somaliland laga qabey” ayuu yidhi Cumar, isaga oo sheegay in sababaha wax ka bedelay aragtidii dunida ee dhinaca Somaliland ay ka mid yihiin isbedeladii u dambeeyey ee ka dhacay, sida aftidii distoorka iyo isbedelkii madaxtooyada ka dib geeridii madaxweynihii hore ee Somaliland, isaga oo yidhi “Somaliland way socotay, bishii ina dhaaftay 16-keedii shir ay hogaaminaysay gabadh wasiir ah ayaa lagu qabtay Xarunta wasaaradda arimaha debedda Ingiriiska, shirkaana waxa lagaga hadlay arinta Somaliland, waxaana la isla qaatay in aragtidii hore ee Somaliland laga qabey lagu eego weji ka duwan, mucaawinadana loo furo, waxayna gabadhaa wasiirka ahi ballan-qaaday inay si degdeg ah dawladda Ingiriiska u hor dhigayso qadiyadda Somaliland”, wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi “wasiirka arimaha debedda Ingiriiska iyo wasiir kale oo Ingiriis ah oo Somaliland jecel ayaa, iyaguna ballan-qaaday in shir lagu fallan-qayn doono aayaha Somaliland sida laga yeelayo ay dhowaan ku casuumi doonaan jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska”. “Socdaalkii madaxeynaha Somaliland Jabuuti ku tegey inuu wax weyn ka bedelay aragtida Reer-Jabuuti, isla markaana xidhiidhkii Somaliland iyo Jabuuti wuu wanaagsanaaday”ayuu yidhi, Cumar Dixood, isaga oo ka waramaya dhinaca Jabuuti oo uu socdaal ku soo maray, wuxuuna intaa ku daray “raggii madaxda ahaa ee Reer-Jabuuti ee aanu is aragnay waxaan kula kaftamay oo aan ku idhi, anagu afartan sannadood ka hor ayaanu jibboonay oo Somali weyn jeclaanay, dhaawicii iyo diiftii naga soo gaadhayna ilaa iminka ayaanu lugaha duugaynaa ee hadii aad idinku (Reer-jabuuti) xiise u qabtaan jibbooteen ma ku darsanaysaan Somaliya oo hadii aad wax iskaga garataan ma nagu soo noqonaysaan markaa”, laakiin Cunar, isaga oo ka hadlaya xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland waxa uu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey “hadii aynu Jabuuti ku khasbi weyno inay ina ictiraafto nin kale oo aynaan af-aqoonina ictiraaf ka heli mayno”. Dhakhaatiirta Madaxa-Bannaan Ee Xoolaha Iyo Kobcinta Ururkooda Hargeysa (Haatuf): Kulan aqoon-iswaydaarsi muddo Shan maal-mood ah u socdey koox dhakhaatiirta xanaanada xoolaha ah ayaa doraad lagu soo gebegebeeyey Xarunta hay’adda wadaniga ah ee COSONGO ee magaalada Hargeysa. Dhakhaatiirta aqoon iswaydaarsigu u xidhmay oo ay tiradoodu ahayd 15 dhakhtar waxay ka socdeen urur ay ku bahoobeen dhakhaatiirta Madaxa banaan ee caafimaadka xoolaha ee gobolada Somaliland oo magaciisa la yidhaahdo ULPA (United Live-Stock Profissional Associatiion), waxayna aqoon iswaydaarsigooda kaga doodeen xeer cusub oo uu ururkoodu yeelanayo iyo guud ahaan-ba sidii ay ururkooda u kobcin lahaayeen, iyadoo ay dhakhaatiirta Madaxa banaan ee caafimaadka xooluhu dabayaaqadii kal hore samaysteen urur-guud (dalaayad) oo ay ku bahoobeen, waxaana dalaayadaa ku bahoobay ilaa 8 urur oo dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha, kuwaas oo ka jiri jirey gobolada Somaliland. Sida ay sheegeen dhakhaatiitaasi waxa aqoon iswaydaarsigaa farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaan-ba ka kaalmaysay hay’adda samafalka caalamiga ah ee VETAID. Gudoomiyaha ururka dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha Somaliland, Ismaaciil Xaaji Ibraahin oo ka hadlay xaflafddii xidhitaanka aqoon iswaydaarsigaa ayaa yidhi “Somaliland waxa muddo dheer ka jirey kooxo iyo ururo yaryar oo dhakhaatiirta xoolaha ah, laakiin waxa markii dambe laga fekeray sidii meel la isugu keeni lahaa ee ay wax u wada qabsan lahaayeen, adeegyadoodana u midayn lahaayeen, waxaana la sameeyey urur guud oo magaciisa la yidhaahdo ULPA (United Live Stock Profissional Association), hawshaasna waxa naga caawisay hay’adda VETAID”. Madaxa hay’adda VETAID, Xasan Gaafaadhi ayaa isna munaasibaadaa ka hadlay, wuxuuna dhakhaatiirtaa ku guubaabiyey inay ku dedaalaan midnimadooda iyo xoojinta ururkooda. “Urur waxa uu ku jiri karaa is aamin dadka ururka ku wada jira ah iyo sharci ay samaystaan oo ay isku dhaqaan” ayuu Madaxa VETAID, isaga oo siiyey talooyin badan oo ku saabsan sidii ay ururkooda jiritaankiisa u ilaashan lahaayeen, “Dhaqaale iyo qolonimo lagaa soo galo ayaa ugu daran ugu khatarsan ee ururka ama dadka isu tegey burburiya, dunidana Cidii urur ah ayuun baa socon karta” ayuu Xasan ku daray hadalkiisa. Ururkan ay ku bahoobeen dhakhaatiirta Madaxa banaan ee Somaliland, inkasta oo ay xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa, hadana waxa uu ka hawl galaa gobolada iyo degmooyinka Somaliland, iyadoo ay dhakhaatiirtani yihiin dhakhtaro iskood u shaqaysta, kuwaas oo si madax banaan uga shaqeeya caafimaadka xoolaha, halka ay qaybo kale oo dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha ahi hoos tagaan wasaaradda xanaanada xoolaha. Xaaladda Berbera Iyo Maal-Mahan Warbixin – M/Rashiid Magaalada dekedda ah ee Berbera waxay hadda ku jirtaa xiliga kulaylka badan ee Xagaaga, xiligaas oo ay dadka magaalada degan intooda badani uga xagaa baxaan degaamada xeebta ka sareeya, taasina waxay keentay inay magaalada cidla-cidla noqoto, taas oo ay dadku ku yar yihiin, isla markaana waxa magaalada ka muuqatay busaarad xoog leh. Hase yeeshee sida ay sheegeen dadka Reer-Berbera marka loo eego xagaayadii hore qaarkood, xagaagani kulaylkiisu waxa uu u muuqdaa mid ka ilko qabow xagaayadii hore, taas oo xiliga xaggaaga ee cimilada xeebtu uu afartankii habeen-ba weji gaar ah keeno, sidaa darteed waxa maalintii Salaasada ee doraad ka bilaabmay xiliga huurka loo yaqaan. 90% ayey dumarka iyo caruurtu ka xagaa baxeen magaalada Berbera, taas oo keentay inay magaalada noqoto meel uu dadku ku yar yahay, laakiin arin labaad oo qayb ka ah cidlanimada magaalada ayaa jirta, taas oo ah, iyadoo aanu hadda magaalada ka jirin dhaqdhaqaaq xaami ah oo dhinaca ganacsiga ah. Laga soo bilaabo horaantii bishii Julay ee ina dhaaftay waxa dekedda Berbera yimi tiro aan ka badnayn dhawr markab, taas oo uu horaantii bishii Julay dekedda yimi hal markab oo shixnado ganacsi ka keenay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, laakiin markabkii kaa ku xigay waxa uu ahaa Markab Kontaynaro sida oo yimi horaantii toddobaadkan, una rarnaa labada ganacsade ee la kala yidhaahdo Oomaar iyo Baxsane, waxaase isna badhtamihii toddobaadkan yimi hal markab oo u rarnaa Indho-deero, sidayna ilaa boqol kun oo tone oo bariis ah (100,000 tone), sidoo kalena ilaa maanta waxa la filayaa inuu soo xidho markab kale oo isna sida shixnado uu sigaar ka mid yahay. Wasiir-kuxgeenka caafimaadka iyo sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda shaqaalaha ayaa, iyaguna socdaal hawleed la xidhiidha wax ka qabashada mushkilad maamul oo ka taagan cusbitaalka Berbera u jooga halkaa, taas oo aanay ilaa hadda wax natiijo ahi ka soo bixin, iyadoo ay mushkiladda ugu weyni tahay shaqaalaha cusbataalkaa oo ay intooda badani shaqada ka dareereen, waxayna dad arimaha cusbataalka xog-ogaal u ah oo aan la sheekaystay ii sheegeen inay shaqaalaha qaar ka mid ahi u shaqo tageen cusbataalo kale oo, kuwa gaarka ah, qaarna ay meelahaa iska joogaan. Sidaa darteed weftiga wasiir-kuxigeenka caafimaadka ee Berbera jooga waxyaalaha laga sugayo inay cusbataalkaa ka qabtaan waxa ka mid ah sidii meesha ay baneeyeen shaqaalaha cusbataalka ka tegey loogu heli lahaa shaqaale buuxiya, iyadoo aad loo danaynayo in mushkiladda cusbataalkaa si dhakhso ah xal loogu helo, maadaama uu yahay meel xasaasi ah oo loogu adeego dad jilicsan. Dhinaca kale magaalada Berbera waxay ka mid tahay meelaha ay mushkiladda muranka dhulku ka taagan tahay, sidaa darteed waxay dadku aad u hadal hayeen muran dhinaca dhulka ah, waxayna dadku maamulka hadda jira iyo kuwii ka horeeyeyba ku eedaynayeen inay ka qayb qaateen mushkiladda dhulka, taas oo aad loo bixiyey dhul badan oo ay dawladdu lahayd, waxaana ka mid ah meelaha ay dadku hadal hayeen dhul u dhow xaafadda la yidhaahdo Moosko. Sidoo kale duruufaha kale e ka laga dareemeyey magaalada Berbera waxa ka mid ah biyo yaraan, iyadoo ay biyuhu mararka qaarkood magaalada ka go’aan, mararka qaarkoodna waxay biyuhu soo dhacayeen, iyaga oo aad u itaal yar, waxayna wakaaladda biyaha Berbera hadda ku jirtaa guri kiro, iyadoo dib-udhis lagu samaynayo xafiiskeedii. 27-Oktoobar: Run Iyo Been Midkay U Dhici? 64-ka maal-mood ee soo socdaa marka ay dhamaadaan, waxay maalinta 65aad ku began tahay 27-ka Oktoobar, 2002, maalintaasina waa maalintii loo cayimay dalka Somaliland ka dhacaan doorashooyinka dawladaha hoose, waxaana maalintaa hoosta ka xariiqay guddiga doorashada oo leh waajibka mudaynta aminta ay doorasho waliba dhacayso. Go’aanka mudaynta doorashada dawladaha hoose waxay guddigaasi soo saareen 27-kii bishii Julay ee ina dhaaftay, waxayna qoraalka go’aankooda ku lifaaqeen qoraal kale oo tilmaamaya qoddobo ay ku taliyeen in la fuliyo aminta doorashada ka hor, waxaana arimaha ay guddigaasi ku taliyeen ka mid ahaa inay xukuumaddu dhamaystirto waxyaalaha qabyada ka ah hawlaha doorashada, laakiin waxa taa ka horaysay war-bixin ay guddiga doorashadu soo saareen maalmo aan badnayn ka hor go’aankooda mudaynta, warbixintaas oo ka dambaysay socdaalo ay ku soo kala bixiyeen inta badan gobolada iyo degmooyinka dalka waxay ku carifeen duruufo iyo qabyo badan oo marka doorashada laga hadlayo ka taagan degaamo badan, iyaga oo war-bixintooda hoostooda kaga xariiqay inaanay degaamo badan oo ay gobolada qaarkood ka mid yihiin doorasho ka suurta gelayn ilaa maaro la helo duruufaha shilis ee hurda. Sidoo kale waxay guddiga doorashadu ku taliyeen in ururada siyaasadana dhinacooda looga baahan yahay diyaar garow weyn, iyaga oo dadweynahana ku baraarujiyey inay doorkooda u diyaar garoobaan, isla markaana waxay guud ahaan ku taliyeen in diyaarinta masraxa iyo saaxadda doorashada hareeraha la iska taago. Go’aanka guddiga doorashooyinka Somaliland ee mudaynta doorashada dawladaha hoose waxa maalmo ka dib isna qalinka ku duugay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, taas oo uu saxeexay dhaqan-gelintiisa, isla markaana waxa uu Madaxweyne Rayaale ku tiraabay inay doorashadu dhacayso maalinta loo xuntay ee 27-ka Oktoobar, 2002. Runtii marka la eego dhiir-dhiiranaanta qalinka wax loogu xardhayo iyo sida dhawaaqa kor loogu qaadayo waxay u muuqataa in xukuumadda iyo hayaddda ay hawsha doorashadu ka dhaxayso ee guddiga doorashada ay yihiin rag is huba oo aanay waxba dhulka ka oolin, taas oo macneheedu yahay inay niman ka soo baxaya waajibka dhinacooda kaga beegan hawlaha doorashada si ay doorashadu u dhacdo. Hase yeeshee waxay iswaydiintu tahay maxaa ka fulay arimihii ay guddiga doorashooyinku qoraalkooda ku xuseen ama qabyooyinkii laga hadlay, sidoo kale ururada siyaasaddu ma ka soo baxeen wixii dhinacooda loo eegayey, gaar ahaan waxyaalihii ay guddiyada diiwaan-gelinta axsaabta iyo doorashooyinku sharci ahaan u fareen ama talo ahaan ugu jeediyeen, waxa kale oo, iyana su’aal kale ah xukuumaddu dhinaceeda ma dabooshay qabyadii u taalay? Dhawrkii toddobaad ee ina dhaafay waxa dhinaca ururada siyaasadda ka baxayey san-qadh iyo gucle badan oo ay ugu xusul-duuban yihiin u diyaar garowga doorashada lagu dhawaaqay. “Anagu waxaanu gudanaynaa waajibkayaga, wax naga qabyo ahina ma jiraan”, “Anagu dhinacayaga waanu iska diyaar garoobaynaa oo waxaanu ileenahay yaan la odhan iyagaa wax diidan, laakiin waxa noo muuqatay qabyo badan”, Weedhahaa iyo kuwa kale oo la mid ahi waxay ka mid ahaayeen hadalo maalmihii u dambeeyey si xidhiidh ah uga yeedhayey madaxda iyo siyaasiyiinta ururada siyaasadda, kuwaas oo ka hadlay shirweynayaal u qabsoomay ama khud-bado ay ka jeediyeen kulamo ay ku qabteen meelo fagaaraha khayriyadda Hargeysa. Marka laga reebo ururka SAHAN oo khilaaf soo food saaray dartii ay suurta gal u noqon wayday inuu shirweyne u qabsoomo dhamaaan ururada siyaasadda waxay kuwii ugu dambeeyey shirweynayaashoodii qabsadeen maalmihii u dambeeyey, iyadoo amintii kama dambaysta ahayd ee loo cayimay inuu urur waliba shirwynehiisa qabsado inta ka horaysa ku ekayd 20-kii bishan Ogost oo ahayd Salaasadii toddobaadkan, taas oo hadda u muuqatay inay ururada siyaasaddu inta badan iska kamileen wixii shuruudo ah ee ka xanibi karayey gelidda doorashada koowaad oo ah ta dawladaha hoose. Laakiin dhinaca waxay weli ishu dhacaysaa qodxo badan oo ka sokeeya garoonka ciyaarta, sidaa darteed marka la isu eego qabyada shilis ee meesha taal iyo mudada yar ee ka hadhay amintii la cayimay waxa dad badan ka muuqda wel-wel ay ka qabaan sida u dhici karto doorasho cadaalad ah oo la qodax tiray. Inkasta oo ay qabyadaasi muuqato, haddana madaxda dawladda iyo xisbigeeda UDUB waxay mudooyinkaa si joogta ugu saxayeen inay doorashadu dhacayso, iyaga oo kor ugu qaylinaya weedho ay ka mid yihiin “Doorashadu way dhacaysaa, waxaan doorasho oo lagu bad-baadayo ama aynu ku kala bixi karnaa majiro”. “Aniga iyo Madaxweyne-kuxigeenkayguba waanu isu taagaynaa doorashada, waana inaad ku dhaqaaqdaan ololaha doorashada”, sidaa waxa yidhi, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo horaantii toddobaadkan ka hadlay shir loogu yeedhay “Ku dhawaaqidda ololaha UDUB ee doorashada dawladaha hoose.” Sidaa darteed, inkasta oo ay Madaxweyne Rayaale iyo dawladiisu mar walba la soo taagan yihiin Badheedhaha noocaas ah, haddana waxay dad badan ugu muuqataa inay sheekadu tahay “Kaaf iyo kala dheeri”, taas oo macneheedu yahay inaanay laba isu eg ahayn “Af-kala waaxa” xukuumadda iyo duruufaha meesha yaal, iyadoo ay dadka ugu dhowi leeyihiin xataa hadii madax-madax la isugu tuuro waxa muuqatay inaanay degaamo badan oo dalka ka mid ah waxba ka suurta gelayn, isla markaana meelaha wax ka suurta galaan uu mad-madowga iyo dal-daloolku badanayo. Iyadoo ay mudadii loo cayimay qabashada doorashada dawladaha hoose ka hadhsan tahay lixdan maal-mood iyo wax aan dhaamin, haddana ilaa hadda guddiga doorashooyinku ma cadayn inta goobood ee ay ka dhacyaan doorashooyinka dawladaha hoose iyo inay dalka oo dhan doorashadu si isku mid ah uga dhacayso. Sidoo kale guddiga doorashooyinku waxay dhawaaqyadoodu u dambeeyey ee maalmo ka hor ku tibaaxeen walaac dhaqaale, ilaa haddana lama oga wax iska bedelay dhinaca dhaqaalaha iyo in gacanta lagu hayo maaliyadii ku bixi lahayd hawsha doorashada, iyadoo ay dadka qaar leeyihiin “Caqli gal ma aha in aminta doorashada lagu dhawaaqo, iyadoo aan gacanta lagu hayn dhaqaalihii lagu meel-marin lahaa”. Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene doodaha mawduucan ku saabsani waxay markiiba is tusayaan inaanay is lahayn mudada hadhay iyo sida ay wax u socdaan. Laakiin dad badan baa u arka in marka ay naftu soo gaadho xawlal-mariidka hadhow la odhanayo waxba suurta geli maayaana maxaa xal ah. “Hadii aanay doorashadu suurta gelayn waa in goor hore oo ilaa saddex bilood ka hor ah la sheegaa, laakiin waa inaan marka ay arintu jarka iska laad-laadiso la odhan waxba suurta geli maayaan”, doodahaasi waxay ka mid yihiin aragtida ay siyaasiyiinta ururadu soo qadimaan marka ay farta ku fiiqayaan wer-werka ay ka qabaan sida ay doorasho suurta gal u tahay, iyadoo ay doodaha qaar leeyihiin waxa caado noqotay inaan si cilmiya mar qudha wax loo eegin ee la iska dhawaaqo, taas oo ay dad badani aaminsan yihiin inuu habka noocaas ahi meesha ka baxo, Cidii khaladkaas oo samaysana lagu qaado dembiga uu leeyahay. “Arin kasta oo muhim ah oo miisaankeeda leh, iyadoo aan si dhab ah loo qiimayn ayaa caadifad iyo huuhaa aan cilmi ku dhisnayn dadka lagu dhaafiyaa, maamulkuna wuu hor cararaa, maantana waxa ii muuqda carrab dalab leh” ayaa ka mid ah doodaha dadka faaqida arimaha doorashada, laakiin waxay dadka arimahan ka faallooda hadalkooda gun uga dhigayaan oo ay leeyihiin raganimadu waxay ku jirtaa in runta la isla waajaho oo goor hore la isu badheedho, halka marka hore alalag uu nifaaq ku jiro la is maqashiinayo, hadhowna goor ay xeedho iyo fandheel kala dhaceen tab qarsoonayd hoosta lagala soo baxayo. Reer Burco Iyo Reer Hargeysa Oo Isku Waajahay Madal Guur “Waxaan filayaa inantani in ay xididinayso Burco iyo Hargeysa” Hadraawi “Waar hooy dardaarankii Madaxweyneheenii geeriyooday hala qaato” X. Cabdi- Waraabe Burco (Haatuf):- Munaasibad ballaadhan oo gabadh lagu bixinayay ayaa shalay ka dhacday magaalada Burco, taas oo ay isku hor-fadhiisteen Ergo culus oo reer Hargeysa ah iyo madax-dhaqameedyada, mas’uuliyiinta dawladda iyo wax-garadka reer Burco. Ergada reer Hargeysa oo iyagu Ardaa-dhig u tegay magaalada Burco, ayaa waxaa hoggaaminayay Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe). Waxaana munaasibaddaas oo dhinaca Gabadhana ay ka soo qaybgaleen Salaadiin, Cuqaal, Mas’uuliyiin, Culimaa’udiin iyo Aqoonyahanno reer Burco loo aqoonsaday madal ay ku xidideen Burco iyo Hargeysa. Kadib markii ay dhammaatay is-weydiisashadii iyo hibadii gabadha, Marwo Faysa X. Axmed X. Ibraahim oo isla goobtaasi loogu meheriyay Xamse Maxamed-Iid Diiriye, oo reer Hargeysa ah, ayaa odayaashii iyo madax-dhaqameedyadii xafladdaasi ka qaybgashay waxay halkaas ka jeediyeen hadallo koob-kooban oo ku saabsan guurka iyo dhaqanka bulshada Somaliland ka leedahay. Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, ayaa ugu horrayn bogaadiyay munaasibadda iyo sidii wanaagsanayd ee ay u dhacday. Isaga oo isla markaana wacdi diini ah iyo taloba u soo jeediyay dadkii ka qaybgalay. “Weynu ognahay in waxyaabaha dadka isku xidha uu ka mid Yahay kala-guursigu,” ayuu yidhi Suldaanku, waxaana uu raaciyay; “Waxaan idin xusuusinayaa inaynu xaafadaha iyo qol-qolada ka fogaano oo sidii dadku isugu xidhnaan jiray aan marna laga tegin.’ Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe), oo hoggaaminayay ergada Ardaa-dhigga u tegay, oo ilaa 20 oday ah, oo isugu jiray mudanayaal Baarlamaan iyo odayaal, ayaa isaguna halkaa ka hadlay, isaga oo guud ahaan reer Burco la hadlayana waxa uu yidhi; “Anigu Burco abaal weyn baan ku lahaa oo iyada oo qiiqaysa baan anigu imi (1992-kii). Teeda kale, sharka iyo khayrkaba Burcaa kow ka ah.” Waxaa uu ka sii waramay dhaqanka iyo taariikhda Burco. “Ilaa Xisbu-llaahi Burco ka dhalatay dawladnimo may caga-dhigin,” ayuu yidhi isaga oo ka sheekaynaya waqtigii gobanimada. “Maantana Xisbu-llaahi bay Burco u baahan tahay,” ayuu raaciyay. Xaaji Cabdi, waxa uu xusay madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal iyo baaqiisii guurka ee uu dadka u jeediyay intii uu talada dalka hayay. “Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim Cigaal Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu yidhi; maalintii jaamacadda Hargeysa la furayay ‘waar guurka kiisii hore ha lagu celiyo inta aad is-ilmaadeer guursanaysaan,” ayuu yidhi X. Cabdi. Waxaana uu hadalkiisa ku dhaabadeeyay. “Waar hooy dardaarankii madaxweynaheenii Eebbe haw naxariistee.. ha la qaato.” Abwaanka weyn ee caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo munaasibadda ka qaybgalay ayaa isaguna haklaasi ka hadlay, waxaana uu yidhi; “Inkasta oo ujeedadii meesha la isugu yimi ay dhammaatay, haddana berigii hore marka gabadh la rabo in la guursado waa loo sahan tegi jiray. Si carruurtaadu ay Abti u yeeshaan. Waxaan filayaa inantan ay ergada badani Hargeysa uga timi ee sida weyn la isugu arkay Burco iyo Hargeysa inay xididinayso.” Hadraawi waxa uu qoyska ugu duceeyay in Ilaahay Barakeeyo. Axmed Yaasiin Gabay-xaddi oo ka mid ah odayaasha Burco ayaa isna ku tilmaamay munaasibadda mid kulmisay Bari iyo Galbeed-ba. Waxa kale oo ka qaybgalay xafladdaas, Suldaan Maxamuud X. Xuseen Nuur, Suldaan Sicid Cismaan, Suldaan Nadiif Siciid Saydh, Ex Col. Carab Ducaale Cali, Maxamed Ismaaciil (Bidhaan), Inj. Saleebaan Nuux, Duqa magaalada Burco Aadan Maxamed Mire iyo taliyeyaasha saddexda ciidan iyo odayaal kale oo badan. Tallaalkii Gobolka Awdal Oo La Soo Geba-Gebeeyay Boorama (Haatuf): Ololihii talaalka carruurta ee lixda cudur ee dilaaga ah oo shan cisho ka socday gobolka Awdal ayaa shalay la soo gebogebeeyay. Madaxa xannaanooyinka daryeelka hooyada iyo dhallaanka (MCH), ee gobolka Awdal Siciid Bile iyo Mubaarik Maax, oo ka socday xafiiska UNICEF ee Hargeysa oo gebogebadii ololahaas shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa sheegay in muddadii ololahani socday la tallaalay 6.843 carruur ah, gobolka Awdal, si wanaagsana uu u fulay. Prof. Mubaarik waxa uu u mahad-naqay dadkii gacanta ka siiyay fulinta ololahaas, Waxaanu si gaar ah ugu mahad-naqay culimada gobolka Awdal oo uu sheegay in ay door weyn ka qaateen, in dadka laga saaro fikrado khaldan oo laga siiyay tallaalka. ODHAAHDA AKHRISTAHA Waxaanu Hambalyo U Diraynaa Wasiirka Horumarinta Qoyska Marka hore halkan waxaaa kaa soo salaamaya dhammaan haweenka ururka, waxayna kuugu hambalyaynayaan xilka culus ee laguu dhiibay, Ilaahayna ha kula garab-galo. Ilaahayna waxaan kaaga rajaynaynaa inuu Ilaahay kugu asturo. Waxaanan ku leenahay, noqo tii lagu nasto ee lagu negaado. Intaa kadib, waxaan kaa codsanaynaa inaad naga caawisid dhibaatooyin fara badan oo naga haysta xagga qoysaska, waxaana ka mid ah curyaamiin fara badan iyo agoomo fara badan oo aanu wixii karaankayaga ah ee aanu helno aanu siino, isla markaana waxaan kaa codsanaynaa Mudane Wasiir, inaad naga caawisid dhibaatooyinkaas naga haysta xagga qoysaska Dadkaa curyaamiinta ah oo aan lahayn xirfado ay ku shaqaystaan. MAGACYADA XUBNAHA URURKA:1. Khadra Cilmi Hande 2. Sahra Shide Samatar 3. Aamina Kaadiye Cumar 4. Dhool Ciise 5. Maryan Sh. Maxamuud 6. Caasha Rooble 7. Xaliimo Cismaan 8. Mako Xassan 9. Yusur Cilmi Hande 10. Barni Axmed C/Laahi 11. Cutub Jaamac Raage 12. Aamina Aw Daahir 13. Saado Xuseen 14. Safiya Cabdi 15. Marko Aw Cumar 16. Cutub C/Laahi Dhimbiil 17. Mako Cabdi Bakaal 18. Sahra Jeex 19. Maryan Cawaale 20. Siciida Daahir 21. Safiya Yuusuf 22. Sahra Axmed Caynaan 23. Sacaada Aw Xuseen 24. Kaaha Warsame Dhimbiil 25. Cibaado Cumar 26. Ruun Ciise Xaamud 27. Siraad Axmed C/Laahi 28. Maryan Cismaan Cige 29. Kawsar Cali Gadab 30. Cadar Carab C/Laahi mudane Wasiir dhammaan haweenkaasi oo dhami waxay kaa codsanayaan inaad wax kala qabatid arrimahaas ay soo sheegteen. Ma Ogolin Cid Magacayaga Rinjiyaysa Anaga oo ah Beesha C/raxmaan Muuse ee ka tirsan Beelweynta Maxamed Ciise, waxaanu halkan ku beeninaynaa in Guddiga isku magacawday in ay yihiin “Guddi Maxamed Ciise metesha,” in aanay sheegashadoodaasi waxba ka jirin oo aanay ahayn guddi ay Maxamed Ciise soo dooratay ee ay yihiin kuwo iska been abuurtay, kuna dhawaaqay oo sheegtay magacaasi taariikhdii 19/8/2002, iyaga oo u gudbiyay oo uu marti qaaday Madaxweyne Ku-xigeenku 20/8/2002, iyada oo uu Madaxweyne Ku-xigeenku ku martiqaaday gurigiisa. Guddigaasi oo tiradoodu dhan tahay 23 oo isku sheegay saddexda Gobolba oo 19 Hargeysa laga ururiyay, 4-na Burco looga cid diray. Sababaynta Diidmada1. Sida uu farayo Distoorkii aynu u caddaynay 31/05/2001m waxaa jirta inuu xaaraantimeeyay in lala shiro beel, inaga oo beelo ka gudubnay una gudubnay Qaran iyo Asxaab madaxbannaan oo lagu tartamo. 2. Madaxweynaheenii geeriyooday, Alle ha u naxariistee, marnaba lagama maqal magaca guddi ku hadlaaya “Maxamed Ciise,” taas oo aan hore u jirin, maantana ay uga digayaan in wax ay doonayaan loo ogolaado. Sidaa darteed, ma ogolin cid rinjiyaysa magacayaga. Magacyada odayaasha beesha1. Caaqil, Cismaan Siciid Cilmi, 2. Caaqil, Cali Yaasiin Maxamed, 3. Oday, Xasan Nuur Cali 4. Oday, Maxamuud Jaamac Xasan (Bilcil), 5. Oday, C/casiis Ibraahim Rooble 6. Oday, Cabdi Xuseen Xabashi 7. Oday, Saleebaan Xasan Ducaale 8. Oday, Mubaarik Cabdi Sh. Cismaan, 9. Oday, C/Riim Cali Sh. Cismaan 10. Oday, C/rashiid Axmed Cabdi 11. Oday, Maxamuud Ducaale Maxamed 12. Oday, Xuseen Aw Yuusuf Cawaale 13. Oday, Maxamed Jaamac Cawaale 14. Oday, Cali-bashiir X. Cismaan Aw Yuusuf 15. Oday, Keyse Maxamuud Geelle 16. Oday, Maxamuud Cabdi Shire Geelle 17. Oday, Cumar Rooble Caateeye 18. Oday, Axmed Cumar 19. Oday, Muuse Cabdi Rooble 20. Muuse Maxamed X. Cali 21. Shaafici Cali Sheekh 22. Xirsi Cismaan Daahir 23. Ismaaciil Mire Maxamed WAADIGA CIYAARAHA Saleebaan Gurey “Van Gaal Iyo Figo Waxay Haystaan Fursad Ay Isku Muujin Karaan” Faallo Ku saabsan Van Gaal, Figo, Real Madrid, Liverpool iyo weliba Kooxo Talyaani ah – Weriye Pedro Pinto CNN Faaqidaa ku xeel-dheer ciyaaraha kala duwan ee dunida, isla markaana weriye ka ah Barnaamijka ciyaaraha ee Telefishanka CNN, ee dalka Maraykanka, Pedro Pinto, ayaa ka hadlay ololaha isu-diyaarinta ciyarah horyaalada kubadda cagta ee Yurub. Faallo gaaban oo uu toddobaadkan ka sii daayay Telefishanka caanka ah ee CNN, wuxuu kaga hadlay qaar ka mid ah tabobarayaal, ciyaartoy iyo kooxo. Wuxuuna shiishka saaray tabobaraha cusub ee Barcelona Louis Van Gaal iyo xiddiga caalamiga ah ee Bortaqiiska Luis Figo. Inkasta oo uu labada nin mid si gaar ah uga hadlay, haddana wuxuu sheegay in labada ninba ay weli haystaan fursad ay ku xaqiijiyaan kaalmahooda ay ciyaarta kubadda cagta ku leeyihiin. Isaga oo ka hadlayana wuxuu yidhi; “Van Gaal iyo Figo waxay hastaan fursad ay isku muujinayaan.” Labada nin oo ka mid ahaa shan arrimood oo weriye Pedro Pinto u kala qaaday faaladdiisa, ayaa waxay kala yihiin; LOUIS VAN GAAL: Pedro Pinto oo fikraddiisa cabbiraya ayaa dhaliilay hannaanka tabobarenimo ee Van Gaal oo isweydiinayo sababta marlabaad loogu soo celiyay shaqada Barcelona. Weriyuhu wuxuu qiray, inaanu fahmin sababta rasmiga ah ee loogu xishay iyo sawirka ay bixinayso, maadaama buu yidhi; uu hore laba sannadood iyo badh xilka shirkadda u hayay. Hase yeeshee, aanu mid keliya si dhammaystiran ugu guulasyan qoddobadii shaqadiisa laf-dhabarka u ahayd. Pinto wuxuu sheegay in arrintaasi ugu dambayntii gallaafatay shaqadiisii, kadib markii lagu sifeeyay, mid aan khibrad badan lahayn. Pedro Pinto, isaga oo arrintaa hore daba socda wuxuu markale yidhi; “Marka shaqadaada aad ku weydo hawl-karnimo la’aan iyo khibrad yari, kadibna shaqo kale oo aad heshayna aad ku guul-daraysato, waa maxay fursadda kuu bannaan ee keeni karta in gacmo furan lagugu qabto, oo dibna laguuugu yeedho?” isaga laftiisa oo su’aashaa ka jawaabaya ayaa yidhi; “Ma jirto.” Pedro Pinto, waxa kale oo uu is-weydiiyaya sababta ay tallaabadani ku dhacday, maadaama Van Gaal hore loo eryay, shaqadii xulka qaranka ee Barcelona uga dambaysayna uu ku fashilmay. ‘Waxaan fahmi la’ahay sababta guddoomiye Joan Gaspart marlabaad ku eexaystay,” ayuu ku daray. “Taageerayaashu ma jecla , ciyaartoyguna waaba la mid, sidaa darteed meherka marlabaad lagu xidhay waa mid loogu talogalay fashilaad,” ayuu yidhi weriyuhu. Weriyaha Maraykanka ah oo dhaliilasha markhaati u raadinaya ayaa Van Gaala ku tilmaamay, mid xaqiraad badan, indhahana ka lalinaya Juan Roman Riquelme oo uu kursiga kaydka ku hayo, iyo weliba Javier Saviola oo uu baal ka ciyaarsiiyo. Pinto, wuxuu ku tilmaamay arrin si qaldan loo isticmaalay, sida uu Van Gaal wax ku bilaabay, taas oo ah buu yidhi mid aan ka farxin taageerayaasha, balse isaga qancisay. Weriyuhu wuxuu faaqidaadiisa ku soo xidhay, nasiib wacan Van Gaal, ama waxaad si dhakhso ah u noqon mid taga. LUIS FIGO: Ciyaaqryahanka weyn ee Figo, ayaa noqday qodobka labaad ee uu diirada saaray weriyuhu, kaas oo uu kaga hadlay xaaladda dhabta ah ee ciyaartoyga, wuxuuna ka muujiyay walaac baqdin leh. Weriye Pinto, wuu sheegay in uu aad uga helay qiimayn FIFA samaysay todobaadyo kahor, oo ay kaga hadlaysay xiddignimada adduunka. Sidaa darteedna aanu waxba ka qabin qiimaytna Figo la siiyay. Hase yeeshee, wuxuu ka dayriyay mustaqbalka ciyaartoyga, oo uu sheegay in niyad-jab weyni kala kulmay koobkii adduunka ee dhowaan dhammaaday, iyo hoos u dhac ka muuqda kulamada dib-isu-abaabulka. Weriye Pinto, oo dhawaan la xidhiidhay ciyaatoyga Figo, wuxuu u sheegay, inaanu weli ka bugsan dhaawac ka gaadhay kalxanta oo ay weli damqato mararka qaarkood, isla markaan uu weli nasasho dheeraad ah u baahan Yahay. Ciyaartoyga baalka ka ciyaara ee Bortiqiiska ah, ayaa baqdin ka qaba difaaca uu dhex xulayo, markasta oo uu kubadda taabto. Si kastaba ha ahaatee, kaalin la’aanta hadda ayaa keeni karta talaabo uu dib isugu canaanto, taas oo iyana ku dhiirigelin karta sidii uu marlabaad u soo celin lahaa musixirnimadii looga bartay. REAL MADRID: Kooxda horyaalka Yurub haysata ayuu ku tilmaamay mid aan cidina uga dhoweyn markay noqoto hanashada horyaalka Isbaanishka, isga oo raacaiyay in ay xili-ciyaareedkan afar koob qaadan karaan. Weriyuhu wuxuu amaanay dedaalka tabobare Vicente Del Bosque ugu jiro isku taxallujinta waddo kasta oo uu ciyaartoy fiican ku helayo. “Haddii ay caafimaad qabaan Zidane iyo Figo, way ku guulaysan karaan horyaalada Yurub, koobka qaaradaha, Supercup-ka iyo koobka Laliga,” ayuu yidhi weriyuhu. LIVERPOOL: Naadiga Ingiriiska ah ee Liverpool oo ka mid ah kooxaha uu weriyuhu ka hadlay, ayuu ku tilmaamay koox horumar la taaban karo ku tallaabsatay xilli-ciyaareedkan cusub, waxayna isaga ula muuqataa in kooxda Gerard Houllier ay sannadkan horyaalka dalka ku guulaysan karto, taas oo uu tusaale u soo qaadanayo difaaceeda oo adag, iyo ciyaartoy dhawr ah oo ay kooxda ku soo kordhisay. Wuxuuna yidhi Pinto; “Difaaca uu Sami Hypia horkacayo, oo lagu daro Bruno Cheyrou iyo Salif Diao, ayaa dhexda Liverpool mid xoog weyn ka dhigtay, dabcan El Hadji Diouf ayaa isna weerarka caawinaya. Waxay culays ka dul-qaadi doonaan ciyaartoyga Steven Gerrard iyo Michael Owen. Labadaas ciyaartoy oo ah dhallinyarada ugu wanaagsan xiddigaha dunida, kuwaas oo hadda in ku filan looga bartay meelo kala duwan oo adduunka ah. KOOXAHA TALYAANIGA: Ugu dambayntiina wuxuu dayro ka muujiyay hannaanka difaaca u badan ee lagaga dhaqmo kooxaha heerka koowaad ee Talyaaniga, wuxuna mid aaan midho badan dhali karin ku macneeyay hannaanka 4-3-3, oohadda laga isticmaalo badiba kooxahaa. Tabobaraha kooxda Roma Fabio Capello, oo weriyuhu kala sheekaystay qaabka uu kooxdiisa u diyaariyay ayaa u sheegay in ay ku ciyaaraan saddex weerar ah oo laba baalal tahay. Pinto, wuxuu ciyaaraha Talyaaniga ku tilmaamay kuwo si weyn hoos uga dhacay mustawihii ay sannado kahor taagnaayeen, hoos u dhacaas oo uu rumaysan Yahay inuu ka dhashay qaab difaaca qallafsan iyo weeraradii oo la kooban. “Roma oo aan daawaday ciyaarteeda waxay u halgamaysay goolal, balse ma fududaan karto, maadaama ay ka fadhiyaan Montella iyo Delvechio kursiga kaydka,” ayuu yidhi. Pinto, sidoo kale wuxuu dhaliilay qaabkii Inter ku ciyaartay kulankii Sporting Lisbon oouu ku tilmaamay mid ay sagaal nin kubadda ka dambeeyeen, markay weerar qaadayaan. Inkasta oo Hector Cuper uu ku tilmaamy mid qaddarin ku leh markay noqoto dhinaca weerarka, haddana wuxuu muujiyay inaanu badhaadho ka gaadhi karin habka isku cufan oo ah mid kooxda gool-dhalintu ku yaraanayso. “Waxaad haysataa qaar ka mid ah kuwa dunida ugu wanaagsan markay weerar noqoto, balse goolal badani ma jiraan,” ayuu ku soo ururiyay faaladdii dhaliisha iyo qiimaynta isugu jirtay ee uu ka bixiyay qaar ka mid ah horyaalada Yurub. Kulamadii Arbacadii Oo Noqday Kuwii Ugu Rabshada Badnaa Talyaaniga oo gurigiisa lagaga badiyaya Kumanaan taageerayaasha Slovania ah oo la soo safray kooxdooda ayay dhabanahays ku noqotay markay kooxdoodu 1-0 ku legeday Talyaaniga oo ay ku wada ciyaareen Trieste, dagaal faraha la isula tegay oo loo adeegsaday shiidka babooyin qiiq ka samaysan ayaa bilowgii horeba hadhka lagaga dhigay Slovania oo marti ku ahayd Talyaaniga. Hase yeeshee, cutubyo bilays ah oo la dalbaday ayaa isu soo daruuriyay garoonka, si ay ammaanka u soo dabbaalaan. Ciyaaryahanka Sebastjan Cimirotic ayaa daqiiqaddii 32aad dhaliyay goolka Slovania. Kulankaa waxaa lagu xusuusan doonaa rabshado xad-dhaafay iyo guul-darradii Talyaaniga ee koobka adduunka inay u qalmeen. Kulamada kale ee rabshadaha lahaa waxaa ka mid ahaa, mid dhexmartay taageerayaasha Bosnia iyo Bilayska shaqaaqada ka hortaga, kadib marki wadadnka jaarkeeda ah ee Yugoslavia 2-0 ku dhirbaaxay. Sidoo kale, ciyaartoyga waqooyiga Ireland ee Neil Lennon, ayaa ciyaarta kooxdiisa laga reebay, kadib markii loogu dhaartay inuu naftiisa waayayo kulankaas oo dhexmaray iyo Cyprus wuxuu ku dhammaaday 0-0. Lennon, wuxuu xulka kaga hadhay colaad la xidhidha mad-habaha kala duwan ee labada dal. Waxa iyana wacdaro dhigtay Turkey ookaalinta saddexaad ka gashay koobka adduunka, waxayna 3-0 ku dhirbaaxday Georgia oo ay Arbacadi wada-yeesheen kulan la isugu diyaarinayo ololaha is-reebreebka qaramada Yurub. Arif Erden, Ciham Haspolat iyo Nihat Kahveci, ayaa kala dhaliyay goolasha Turkiga. Wadanka Germany oo kaalinta labaad ka galay koobka adduunka ayay 2-2 ku kala baxeen Bulgaria. Dimitar Barbatov, oo Leverkusen u safta, ayaa Bulgaria u dhaliyay goolka koowaad, laba daqiiqadood kahor intaanu Michael Ballack barbarayn. Ciyaartoyga VFB Stultgart Krasimir Balakov, ayaa markale goolkii hoggaanka u dhaliyay, balse kubbad hoobiye ah oo ka timi difaaca Germany Arne Friedrich, ayuu shebegga ku hubsaday Carsten Jancker daqiiqaddii 57aad. Kulamada kale ee natiijadooda lala yaabay, waxaa ka mid ahaa Hungary iyo Spain oo barbaro (1-1) ku kala baxay. Sidoo kale, France iyo Tunisia ayaa iyana 1-1 isla dhaafi waayay. Waddanka Netherlands oo ka qaday koobkii adduunka ayaa 1-0 kaga adkaaday Norway oo ay Oslo ku wada ciyaareen. Ciyaaryahanka Juventus ee Edgar Davids, ayaa goolka ku dhammaystiray kubbad uu afaafka goolka ka helay. Kulamadii kale ee dhexmaray qaramada Yurub waxay u dhaceen sidan; Croatia 1, Wales 1 Czech republic 4, Slovakia 1 Finland 0, Ireland 3 Poland 1, Belgium 1 Romania 0, Greece 1 Russia 1, Sweden 1 Scotland 0, Denmark 1 Ukraine 0, Iran 1Belarus 4, Latvia 2 Estonia 1, Moldova 0 Faeroe Islands 3, Liechtenstein 1 Macedonia 5, Malta 0 Azerbaijan 2, Uzbekistan 0. |