Haatuf, Cadadki 146, Aug. 27, 2002

Xaashi Muuse Iyo X. Cabdi Waraabe

Oo Jawaab Ka Bixiyay Eeddo Looga Jeediyay Dhagarihii Taliskii Siyaad Barre

Hargeysa (Haatuf): Xaashi Muuse oo ka mid ah odayaasha Reer-Hargeysa, ayaa ka jawaabay eedayn loo jeediyey oo la yidhi waxa uu ku lug lahaa falalkii xasuuqa ahaa ee ay ciidamadii taliskii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyey u geysteen dadweynihii Hargeysa ku noolaa, wuxuuna Xaashi Muuse eedayntaa ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona lahayn.

Xaashi Muuse waxay jawaabtiisu daba socotey waraysi uu wargeyska Jamhuuriya sheegay inuu la yeeshay Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo xiliyadii ay socdeen dagaaladii u dhexeeyey dagaalyahankii ururka SNM iyo ciidamadii taliskii Siyaad Barre ee sannadihii sideetamaadkii ahaa taliyihii ciidamadii fadhiyey goboladii waqooyi (Somaliland), laakiin uu wargeyskaasi sheegay inuu hadda joogo Puntland.

Waraysigaas oo uu wargeyska Jamhuuriya faafiyey Axaddii doraad ee Ogost 25, 2002 waxa uu Moorgan ku sheegay odayaal dhawr ah oo Reer-Hargeysa ah oo ku tilmaamay inay kala qayb qaateen dembiyadii dadka laga galay ee ka dhacay Hargeysa, odayaasha waraysigaa lagu xusayna waxa ka mid ahaa Xaashi Muuse oo xiliyadaa maayar ka ahaa Hargeysa iyo Xaaji Cabdi-waraabe oo isna ka mid ahaa odayaashii Reer-Hargeysa, haddana ka tirsan golaha Guurtida.

Xaaji Cabdi-waraabe dembiyada uu Moorgan waraysigiisa ku sheegay inuu kula jirey ku beeniyey wargeyska dawladda ee Maandeeq, wuxuuna Xaaji Cabdi-waraabe sheegay inaanu cadaawad mooyaane wax gacan saar ah iyo wada shaqayn ah la lahayn Moorgan, sidoo kale Xaashi Muuse qoraal uu na soo gaadhsiiyey waxa uu ku sheegay inaanay waxba ka jirin hadalka Moorgan ee uu leeyahay Xaashi waxa uu igula jirey eedihii aan galay, wuxuuna Xaashi Muuse qoraalkiisa ku bilaabay:

“Aniga oo tix-raacaya warkii ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii soo baxay 25/8/2002, ee ku saabsanaa waraysii ay jariiraddu sheegtay inay la yeelatay gacan-kudhiigle Moorgan, isla markaana eedaynta la iigu soo jeediyey inaan Moorgan gacan ku siiyey hawlihii uu ka wadey Somaliland waqtigii ka ahaa taliyaha ciidamadii Faqashta, waxaan hadaba dadweynaha Reer-Somaliland u sheegayaa inay eedayntaasi tahay mid aan sal iyo raad toonna lahayn. Waxa xusid mudan in waqtigan xaadirka ah ay cadawga Somaliland ka soo xidhmeen albaabadii debedaha ee ay garaaci jireen, laakiin hadda ay doonayaan inay gudaha Somaliland ka helaan albaabo ay garaacaan, waxaana suurta gal ah in masuuliyiin kale oo Reer-Somaliland ah lagula galgasho eedaynahaa been abuurka ah oo kale si khal-khal looga abuuro dalka gudihiisa, waxayna arintani ka dhigan tahay neefka adhiga ah ee la gawracay ee dhiigga saydh-saydhiya marka mindida laga qaado. Waana nasiib daro inuu wargeyska Jamhuuriya nin rafanaya sida neefkaa la gawracay warkiisa Somaliland dhex keeno.

Hadaba hore ayaa nin loogu yidhi “Hebel waa ku caayey, markaas ayuu ugu jawaabay maxay caydiisu iga tari col baanuba nahaye”. Laakiin aniga (Xaashi) iyo rag kale oo Reer-Somaliland ahba aragtidii ay naga qabtay dawladdii faqashtu waa tan hoos ku qoran” ayuu Xaashi Muuse qoraalkiisa ku soo gebagebeeyey, laakiin waxa uu qoraalkiisa ku soo lifaaqay waraaq muujinaysa eedayn ay ciidamadii nabad-sugidda ee dawladdii Siyaad Barre u jeedinayaan Xaashi Muuse iyo xubna kale, taas oo ay ku eedaynayaan inay xidhiidho la leeyihiin ururkii SNM. Waraaqdaa oo sida ka muuqata uu ku saxeexan yahay ninkii taliyaha nabad-sugidda ka ahaa dawladdii Siyaad Barre oo magaciisa la odhan jirey Maxamed Jibriil, soona baxday 21-kii Ogost 1984-kii, waxay magacyadoodu ku qoran yihiin ilaa 24 qof oo uu isugu jirey niman dawladda ka tirsanaa iyo niman ganacsato ah, wuxuuna talliyihii nabad-sugidda taliskii Siyaad Barre qoraalkiisaa ku socod siiyey taliskii nabad-sugidda ee Hargeysa, waxaana lagu faray inay nimanka magacyadaa leh baadhis ku sameeyaan, iyadoo waraaqda lagu xusay eedaha loo haysto ee ay ka baadhayaan, waxaana qoraalka waraaqdaa lagu bilaabay: “War na soo gaaray wuxuu sheegayaa in ragga ay magacyadoodu hoos ku taxan yihiin oo dawladda u shaqeeya aanay daacad-nimo ku shaqayn ee ay gacan siiyaan ganacsato, iyaguna isla warqaddan ku qoran oo ku xirran(xidhiidh la leh) qaran dumiska SNM, dawladdana ay daacad isaga dhigaan”, intaa ka dib waxa uu qoraalkaa ku taxan magacyada dadka la eedaynayo oo ay ugu horeeyaan 7 xubnood oo shaqaale dawladeed ahaa oo uu ka mid yahay Xaashi Muuse oo markaa ahaa Maayarka Hargeysa, wuxuuna qoraalkaasi sheegayaa magaca qofka iyo mid kasta eedda loo haysto: “1-Xaashi Muuse-Ex-kiisa(qolodiisa) Sacad-muuse, duqa magaalada waxa uu si hoose ugu xirran yahay SNM. 2- Maxamed Case-Ex-kiisa H/Yoonis Saddex-Alifle Booliska ah wuxuu raacaa baabuurta dhanka cadawga, sida la sheegayna wuxuu u war geeya cadawga, 3- Cabdi-malow-Ex-kiisa Arab, sarkaal xoogga dalka Soomaalieed ah wuxuu ku xirran yahay ganacsatada kor ku xusan, 5- C/raxmaan Dedaal-Exkiisa-H/Yoonis waxa uu jooga xabsiga Hargeysa, waa u warkeena ganacsatada u adeegta SNM, 6-Cabdi Faarax-Exkiisa, H/Awal, Kuxigeenka duqa Hargeysa waa la mid, 7-Mataan Waraabe-cadde-Exkiisa, H/Yoonis wuxuu jooga wakaaladda xoogga korantada Hargeysa, wuxuuna ku xirran yahay ganacsatada kor ku xusan, waxaana la sheegay inuu marar badan damiyey nalka magaalada” , intaa ka dibna waxa waraaqda ku qoran magacyada nimanka ganacsatada ah ee lagu eedaynayo inay xidhiidh la lahaayeen SNM.

Urur-Siyaasadeedka HORMOOD Oo Si Ba’an Uga Dayriyey Doorasho Dalka Ka Dhacda

Hargeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka HORMOOD oo ka mid ah ururada siyaasadda Somaliland ayaa si ba,an uga dayriyey qabsoomidda doorashooyinka dawladaha hoose ee loo cayimay inay qabsoomaan 27-ka bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa, laakiin hogaamiyayaasha ururka HORMOOD oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda Hargeysa waxay si kulul ugu andacoodeen inaanay haba yaraatee muuqan sansaantii ay doorasho ku qabsoomi lahayd, isla markaana waxay dawladda iyo ururkeeda UDUB si weyn ugu eedeeyeen inay si gaar ah ugu takri falayaan hantidii ummadda iyo qalabkii dawladda, iyaga oo ku dooday inaanu hab-dhaqanka noocaas ahi keenayn kalsooni loogu tartamo madaxtinimada dalka.

“Somaliland waxay maraysaa marxalada xasaasi ah, taas oo loo diyaar garoobayo doorashooyinkii u horeeyay ee dawladaha hoose, iyadoo aanu maamulku dalka wada gaadhin”ayey yidhaahdeen hogaamiyayaasha HORMOOD, waxayna intaa ku dareen “Isku millanka dawladda iyo ururka UDUB waa carqalad hortaagan helidda doorasho xaq ah oo xalaal ah, dawladda maanta talada haysaana waxay isu qaadatay inay tahay dawlad doorasho ku timi, waxaana ka xuub-siibtay xisbi UDUB la magac baxay UDUB”, laakiin madaxda HORMOOD waxa kale oo ay shirkoodaa jaraa’id kaga baaqeen arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin: In la maamulka dalka la wada gaadhsiiyo iyo inay dawladda iyo ururka UDUB kala baxaan, sidoo kale waxay ku baaqeen inay diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha la fuliyo ugu yaraan hal toddobaad ka hor maalinta doorashada loo cayimay, iyaga oo sida ay guddiga doorashadu sheegeen ee ah inay diiwaangelinta iyo doorashadu hal maalin wada dhacayaan ku tilmaamay arin sharciga dooraashooyinka baal-marsan, isla markaana ay macquul ahayn in labdaa hawlood hal maalin la wada fuliyo, hadii sidaa la yeelana aanay noqon wax xaq ah oo la garwaaqsan karo.

Madaxda HORMOOD waxay ku andacoodeen maamulayaasha gobolada iyo degmooyinka iyo madaxda dawladda dhexeba inay yihiin wax u adeegaya UDUB, iyaga oo yidhi “Dawladda iyo UDUB waxay noqdeen wax isku mid ah, lamina arag xisbi keligii isticmaalaya hantidii ummadda iyo wixii dawladdu lahayd, taasi marna ma keeni karto doorasho xalaal ah, ummadana waxaanu ugu baaqaynaa inay ka fiirsadaan hadalada dhegahooda lagu ridayo ee la leeyahay doorasho ayaa ictiraaf lagu helayaa, ictiraafna waxa keeni karta doorasho wanaagsan oo si xalaal ah u dhacda, laakiin ictiraaf keeni mayso doorasho gabgab ahi, kumana gaadhayno waxa aynu rabno wax ay ina yeesho mooyaane”.

“Waxaanu ururada jira ugu baaqaynaa inay isu yimaadaan si looga tashado arimaha maanta jira”ayey yidhaahdeen madaxda HORMOOD, iyaga oo intaa ku daray “Meesha waxa ka maqan in runta la isu sheego, doorashada ma diidanin, laakiin qaab bay leedahay, qaabkeediina ma aragno”.

Intaa ka dibna weriyayaashii shirkaa jaraa’id ka qayb galay ayaa su’aalo door ah oo xiise leh waydiiyey gudoomiyaha ururka HORMOOD, Maxamed Xaaji Maxamuud, waxayna su’aalahaasi u dhaceen sidan:


S: Ilaa sannad iyo badh ka hor waad lahaydeen intan aad hadda tidhaahdeen, mana jiraan wax ka qabsoomay oo wax waliba halkoodii bay taagan yihiin, maxaad kaga cel-celinaysaan?

J: Waxaanu kaga cel-celinaynaa inaanu ummadda fahamsiino sida wax u jiraan iyo inaanu sheegno qaladka jira, cidda iska dhego tiraysana waa la ogyahay.

S: Idinku ma u aragtaan inay doorashada dawladaha hoose dhacayso waqtiga loo cayimay ee 27-ka Oktoobar?

J: Runtii aad bay u adag tahay, waayo 15-ka bisha foodda inagu soo haysa ee Sabtembar inay wax waliba dhamaadaan, oo ay guddiga diiwaangelinta xisbiyadu qiimaynta xisbiyada dhameeyaan oo ay guddiga doorashooyinkuna qiimayntooda dhameeyaan, laakiin ilaa hadda xataa wakiilo kuma laha gobolada, markaa ma jiraan wax diyaar ahi.

S: Urarada aad u baaqayso ma waxaad doonaysaa inaad doorashada qaadacdaan?

J: Runtii maya, malaa qaadacaadda dadku si xun bay u arkaan, laakiin waxaanu in waxan oo dhan loo samaynayo sidii meesha u loo sii joogi lahaa, doorashana waxaanu u aragnaa inaa lagu talo gelin, waayo qaabkeediiba ma hayno, Axsaabtana waxaanu ugu yeedhaynaa inaanu ka wada tashano runta iyo xaqaa’iqa jira oo aanu mawqif midaysan iska wada taagno arimaha jira, taas oo aanu doonayno mar dambe dhicin sidii hore ee la odhan jirey guurtidaa iska kordhisay oo waa la cusboonaysiiyey.

S: Ururkiina HORMOOD iyo ururo kale waydinkii mar hore soo jeediyey in mudada la kordhiyo, idinka oo sheegay inaad diyaar garoobaysaan, welina halkii baad joogtaan?.

J: Runtii markii aanu lahayn mudada hala kordhiyo waxaanu arkaynay dhibaato jirta, taas oo ahayd dawlad, iyada oo aan waxba runta iska dhego tiraysa oo leh doorasho ayaanu qabanaynaa iyo ummado dhan oo ka soo horjeeda oo lahaa shirbeeleed baanu qabanaynaa, halkaana dhibaato ka iman karto, waxaanu markaa nidhi kaadi badane waa loo gogol badiyaa ee lix bilood dib haloo dhigo, wax badan oo qabyo ahaana hala qabto, laakiin maantana halkii bay taagan tahay. Ta kale ummaddeenuna weli ma barran Axsaabta, dadkiina waxay u haystaan xisbigu inuu lacag qaybinayo, waxa kale oo jirta qaadhaankii uu xisbigu ka doonayey taageerayaashiisa dhaqaale xumo jirta darteed maba bixin karaan qaadhaanka yar, sidaa darteed xisbiyadu inay wax badan qabtaan waxa u saamixi wayday duruufta, laakiin wax la diyaariyo waanu ka qayb geli lahayn doorashada, balse inta meel la isa soo taago in la yidhaahdo doorashadii waa qabanaynaa mooyee, camalkeedi ma hayno.

S: Hadii ay doorashadu ku qabsoomi kari waydo xiliga loo qabtay, idinku maxaad xal u aragtaan?.

J: Anagu waxaanu xal u aragnaa inay ummaddu isu timaado, iyadoo ay ururaduna hormood ka noqonayaan, sida aanu anagu xalka u aragnaana wax hadda noo qarsoon oo aanaan halkan ka sheegayn, ururadana waxaanu ugu yeedhaynaa waxa weeye waar hadii ay waxani suurtoobi waayaan ileyn isha ay leedahay waynu aragnaaye maxaa la yeelayaa.

S: Eedaynta ururka UDUB ee aad leedihiin hantidii ummada ayuu cunayaa cadayn ma u haysaan?.

J: Taa waanu u haynaa cadayn, laakiin tusaale ahaan maalintii dhowayd ee ay UDUB ololaha gelaysay ee ay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisuna yidhaahdeen doorashada waanu u taaganahay, waxaad arkeysay baabuur badan ay ummaddu leedahay oo kuwii dawladda ah oo dusha lagaga qoray calaamadaha ururka UDUB iyo u codee UDUB, taasna UDUB xaq uma laha, waayo waa wixii ummaddu lahayd ee ka dhexeeyey, markaa, iyadoo cad baanu haynaa wixii ummadda oo loo isticmaalayo ololaha UDUB.

S: Hadii dawladda talada haysa mudada loo kordhiyo miyaad diidaysaan?

J: Dawladda talada haysa looguma kordhin karo sida ay hadda tahay, ee waa inay noqotaa wax shuruudo leh, hadii wax loo kordhinayo, laakiin anagu (HORMOOD), koleyba ma qabno in loo kordhiyo.

S: Ururada siyaasadda ee aad u baaqaysaan ma ka filaysaan inaad mawqif midaysan isla gaadhi karaysaan?.

J: Horta UDUB iga saar, laakiin sideedda urur ee kale ilaa lix ka mid ah waan ka filayaa inaanu wada gaadhi karno mawqif midaysan.

S: Hadiiba aad midowdaan rajo intee le’eg baad ka qabtaan inaad doorashada heshaan?.

J: Horta UDUB dad-ba ma hayso, xafiisyadeedana lacag baa lagu furaa, dabadeed-na waa lagu kala yaacaa, markaa hadii aanu midowno waxaanu qabnaa inaanay UDUB waxba ahaanayn, kana soo muuqanayn masraxa, doorashaduna hadii ay tahay mid xaq ah oo xalaal ah waanu ka helaynaa.

Suldaan Cusub Oo Lagu Boqray Boorame

Boorama (Haatuf): Shir ay isugu yimaadeen magaalada Boorama, Cuqaal, Aqoonyahano iyo waxgarad kale, ayaa shalay lagaga dhawaaqay Suldaan cusub oo ay dooratay beel ka mid ah beelaha Boorama.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Boorama, Maxamed Cumar, waxa Suldaanka cusub loo doortay Muuse Cilmi Dugsiiye (Sabuurad), waxana uu Suldaan u noqonayaa oo dooratay Beesha Bah Habar-Celi oo ka tirsan beelaha deegaanka Boorama.

Odayaasha Suldaanka doortay, waxay sheegeen in Suldaanka cusubi uu beesha uga masuul noqonayo arrimaha Dhaqanka, Nabadgelyada iyo weliba Siyaasadda.

Badhasaabka Saaxil Oo Raashin U Sii Qaaday Deegaamada Bariga Berbera

Waxa la tuhunsan Yahay in Timir Deeq ah Dawladdu u isticmaashay ololaha urur-siyaasadedka UDUB

Berbera (Haatuf): Badhasaabka Gobolka Saaxil, ahna Duqa magaalada Berbera, Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne) iyo wefti Maamulka Gobolka ah, ayaa shalay kormeer ugu baxay deegaanada bariga Saaxil, isaga oo magaalada Berbera ka sii qaaday deeq raashin ah oo isugu jirta Timir, Bariis, Daqiiq iyo Sonkor.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Berbera, C/raxmaan X. Daahir, Badhasaabka oo ay weheliyeen hawl-wadeeno ka tirsan Maamulka Gobolka Saaxil, waxay ka jarmaadeen magaalada Berbera abaaro 4:00 subaxnimo ee shalay, iyagoo u kicitimay kormeer hawleed oo ay ku tegayaan degmada Xagal, Laas-ciidle iyo tuulooyinka Beeyo-dhaadheer iyo Raali-buul oo ka tirsan deegaanka Bariga Saaxil, waxayna deegaankaasi gaadhsiin doonaan hal gaadhi oo raashin ah. Raashinkaas oo isugu jira qayb ka mid ah Timir ay hay’adda Iqaasada Islaamku u keentay in lagu caawiyo dadka jilicsan ee Gobolka iyo Raashin qallalan oo ka kooban; Bariis, Sonkor iyo Daqiiq ay ku deeqeen dawladda hoose ee Berbera iyo Maamulka Dekeddu.

Waa markii ugu horreysay ee uu Badhasaabku booqasho, ama kormeer hawleed ugu baxo deegaanada bariga Saaxil, muddo laba sannadood ka badan oo uu xilkaa hayay. Sidoo kale, deeqdaa raashinka ah ayaa iyana ah tii u horreysay ee dadka deegaanka loo diro, isla markaana kormeerkan oo qaadan doonna laba maalmood, kadib waxa Badhasaabka iyo weftigiisa u qorshaysan inuu socdaal kaas la mid ah ku tago xeebta dhinaca galbeed.

Ma cadda, si rasmi ahna daboolka loogama qaadin ujeedada booqashada Badhasaabka, hase yeeshee waxa jira dareen xooggan oo muujinaya in booqashada Badhasaabka ee wakhtigani ay ku xidhiidhsan tahay ololaha uu doorashada D/Hoose ugu jiro ururka UDUB oo ilaa toddobaadkii hore dhaqdhaqaaqiisa iyo dardar uu soo cusboonaysiiyay laga dareemay guud ahaan dalka. Ilo ku dhowdhow Socdaalka weftiguna, waxay sheegayaan in xubno ka tirsan ururka UDUB ee Gobolka iyo Duqay kale oo deegaankaas ka soo jeeda ay maalmo ka hor ka tageen Berbera, iyagoo u gogol xaadhaya booqashada Badhasaabka ee deegaankaas. Waxa jira guux ka dhashay raashinka weftigu u qaaday deegaankaas oo qayb ka mid ahi ay tahay Timir kaalmo ah oo hay’addo Sucuudi ahi ugu deeqeen dadka masaakiinta ah. Raashinkaasna, waxa loo arkay mid ururka UDUB uu u isticmaalayo ololihiisa doorashada dawladaha hoose.

Deeqda timirta ah oo ay dhawaan soo dejisay hay’adda International Islamic Relief Committee, ayaa waxay dhammayd 1000 kartoon. Waxayna hay’addu ku wareejisay Maamulka Gobolka, iyo degmada, si ay u gaadhsiiyaan dadka u baahan.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah guddi maamulku u xilsaaray qaybinta deeqdaas, waxa magaalada lagu qaybiyay 600 oo kartoon, inta hadhayna waxa loo qorsheeyay deegaanada bariga iyo galbeedka Saaxil ee uu badhasaabku booqanayo. Wararkaasi waxay sheegayaan in 100 kartoon oo timir ah loo diray jiidda bariga.

Wakiilka IIRC u fadhiya Berbera, Mr. Nuux Daahir oo aanu arrinta timirtaa wax ka weydiinay, ayaa sheegay in timirtaa loogu tala galay dadka jilicsan, ujeeddo kalena aan loo bixin.

Nuux oo ka jawaabayay wararka sheegaya in timirtaas loo isticmaalayo ololaha doorashada, waxa uu caddeeyay inuu maqlay warka arrintaa ku saabsan, laakiin aanu hubin.

“Arrintaa waan maqlay, maantaa (Shalay) la ii sheegay, waana arrin fadeexad ku ah hay’addii bixisay deeqda, haddii ay jirto,’ ayuu yidhi Nuux.

Xasan Gadhweyne, waxa mar loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka ee UDUB, taas oo xilalka uu gobolkaa ka hayo ka dhigaysay saddex xil oo guddoomiye-nimo ah, laakiin wax yar kadib waa laga qaaday xilkaas, waxana isaga iyo ku-xigeenkiisaba si cad looga dhex arkaa dhaqdhaqaaqyada UDUB ee Gobolka.

Waxay ahayd maalintii sabtidii, markii Xoghayaha Guud ee UDUB, Dr. Cabdi Aw Daahir, sida weyne loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera, isagoo ku sii jeeday Burco. Soo dhaweynta Xoghayaha, ayaa waxa abaabulay masuuliyiinta Gobolka iyo degmada, iyadoo lagaga soo gelbiyay tuullada Dara-godle gaadiid tiro badan oo ay ka ba’banayaan Calanka Doogada ah ee UDUB, kadibna waxay dhoolla-tus damaashaad ah ku soo mareen dariiqyada magaalada oo ay ku soo wareegeen.

Ururka UDUB, ayaa ah ka ololihiisa iyo dhaqdhaqaaqiisu ugu cad-cad yahay Berbera, marka loo eego ururada kale. Hase yeeshee, tallaabadan Timirta iyo Bariiska loogu raray tuulooyinka, ayaa dad badan waxay xasuusisay doorashooyinkii lixdameeyadii oo reer miyiga codkooda lagaga beddelan jiray timirta iyo raashinka.

Kulan Dhexmaray Axmed Siilaanyo Iyo Weftigii Maraykanka

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay la kulmay weftiga Maraykanka ah ee dalka booqashada ku yimi doraad, ayna hogaaminayso haweenayda magaceeda la yidhaahdo, Miss Michelle Gevin oo ka mid hawl-wadeenada aqalka Senate-ka Maraykanka.

Axmed-Siilaanyo oo aanu wax ka waydiinay waxyaabihii ay weftigaasi kala hadleen ayaa sheegay inay wax ka waydiiyeen ama kala sheekaysteen xaqiiqooyin la xidhiidha xaaladda Somaliland iyo arimaha doorashooyinka, arimahaasna waxa uu Axmed-Siilaanyo sheegay inuu war-bixin ka siiyey, taas oo uu noo sheegay inuu uga xaal waramay hawlaha doorashooyinka iyo duruufaha adag ee horyaal sidii ay doorasho xor ah oo xalaal ahi dalka uga dhici lahayd. Laakiin Axmed-Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay inuu isna dhiniciisa weftiga su’aalo ka waydiiyey, su’aalahaasna waxa uu sheegay inay ka mid ahaayeen sida ay dawladda Maraykanku u aragto aqoonsi caalami ah oo ay hesho Somaliland iyo inay Marakanku diyaar u yihiin inay gacan dhaqaale siiyaan Somaliland. Hase yeeshee Axmed-Siilaanyo inaanay haweenayda weftiga wadataa, Miss: Mechelle Gevin yididiilo cusub ka muujin qadiyadda aqoonsiga Somaliland waqtigan xaadirka ah, wuxuu Axmed-Siilaanyo intaa ku daray inay sheegtay inay suurta gal tahay kaalmo dhaqaale oo ay Marakanku siiyaan Somaliland

Haweenayda hogaaminaysay weftigan, Miss. Mechelle Gevin waxay ka mid tahay kaaliyayaasha sar-sare ee la shaqeeya guddi-hoosaadka golaha odayaasha Maraykanka u qaabilsan arimaha debedda, waxayna weftigaa Maraykanka ah ee ay haweenaydaasi hogaaminaysay Somaliland ka dhoofeen duhurnimadii shalay, ka dib markii ay dhamaysteen booqasho laba maalmood ah, iyaga oo mudadii ay joogeen kulamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo dhinacyo kale.

Shirka Dawladaha Adduunka Uga

Socda Koonfur Afrika Oo Ku Furmay Baaq

Johannesburg (W. Wararka): Kulan uga socda dalalka adduunka magaalada Johannesberg ee dalka Koonfur Afrika, ayuu ku furay Madaxweynaha Koonfur Afrika Thabo Mbeki, baaq uu ku baaqay in dunidu ay isu kaashato dagaal lagaga hortagayo saboolnimada ka jirta dunida.

Madaxweyne Thabo Mbeki, wuxuu kale oo ku sheegay khudbadii furitaanka ee uu ka jeediyay Shirka Johannessberg in ay dunidu tahay Jasiirad wadamo hodan ah oo ay ku wareegsan yihiin badweyn ah dalal sabool ahi, waxa kale oo uu intaa ku daray Mr. Thabo Mbeki in ay taariikhda dunida ay markii ugu horeysay, dadyowga dunidu ay leeyihiin aqoon iyo ilo kheyraad oo ay ku dabargooyaan saboolnimada ka jirta dunida guudkeeda, iyo in dawyowga dunidu ay ka sugayaan shirka Johannesberg in ay ka soo baxaan, go’aano rajo-gelin kara wax ka qabashada dhibaatooyinka jira.

Jan Pronk oo ah, wakiil shirka Johannesburg ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan, ayaa shirkaa ka sheegay in horumar laga sameeyay dhinaca Arrimaha Deegaanka ee dunida, laakiin dhinaca horumarka aan la sameyn waxqabadkii loo baahnaa. Wuxuu intaa ku daray in dadka ay noloshoodu ka hoosayso, sida caadiga ah ee dunida ku nooli ka badan yihiin, hadda tiradii ay ahaayeen sannadkii 1992-kii.

Elizabeth Blunt oo BBC uga soo waramaysay shirka Johannesburg, ayaa sheegtay in wadamada hodanka ah ee ka soo qayb-galay shirka Johannesburg aanay aad ugu cadcaddeyn qodobbada dhinaca horumarinta ah ee shirka, laakiin wadamada saboolka ahi ay iyagu aad ugu baahan yihiin horumarin dhinaca heerka nolosha ee dadyowgooda oo aad u hooseysa baarnaamijyadii kor loogu qaadi lahaa.

Ka qayb-galayaasha shirka Johannesburg, ayaa laga soo xigtay in kala duwanaanshaha aragtiyada qodobbada shirku ay sii socon doonto, ilaa kulan 2-maalmood ee shirka ugu dambeeya ay ku kulmayaan hoggaamiyayaasha dalalkaasi. Shirkaas qodobbada lagaga wada hadlayo, waxaa furre u ah arrimaha Biyaha, Tamarta, Caafimaadka, Beeraha, Ilaalinta Noolaha ku nool Dunida Bad iyo Bariba.

Muxuu Ku Dambeeyay Baaqii Mudanayaasha Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka Nayjeeriy Ee Is-Casilaadda Madaxweyne Obusanjo

Wada-Hadalo Ay Albaabada U Xidhan Yihiin Ayaa Baajiyay Eedayntii Mudanayaasha

Lagos, Nayjeeriya (W. Wararka): Madaxweynaha Nayjeeriya Olesegu Obasanjo, ayaa ka sheegay Raadyow la iska arko ee dalka Nayjeeriya (TV) inuu dhammaaday isku day ay mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Nayjeeriya ugu baaqeen inuu is-casilo, ama ay ku eedayn doonnaan dembiyo ah, Musuq-maasuq iyo ku tagri-fal Maamul.

Madaxweyne Obasanjo, wuxuu uga mahad-celiyay dadka reer Nayjeeriya bisaylkooda aqoonneed ee lagu soo afjaray, xurguf siyaaasadeed oo ka jirtay Nayjeeriya labadii toddobaad ee ugu dambeeyay. Kulan ay yeelanayaan maanta Aqalka Hoose ee Baarlamanka Nayjeeriya, ayaa la filayaa in Golahaasi uu ku joojiyo codsi hore uu ugu coddeeyay inuu is-casilo Madaxweyne Obasanjo, ama lagu soo oogi doono eedaymo sharaf ka xayuubina.

Weriyayaasha ka soo waramaya Nayjeeriya, ayaa sheegay in khilaafkii Madaxweynaha Nayjeeriya iyo Mudanayaasha Aqalka Hoose ee dalkaasi uu dhammaaday kadib, markii ay wada-yeesheen kulamo ay albaabadu u xidhnaayeen.

Dan Isaaq oo BBC uga soo waramayay magaalada Lagos ee Nayjeeriya, ayaa sheegay in Mudanayaasha Aqalka Hoose ay arrintani u ahayd qorshe hordhaca oo lagu waxyeelaynayo kalsoonida ay dadka Nayjeeriya ka qaban Madaxweyne Obasanjo oo saamayn ku leh doorashooyinka Madaxtinimada ee la filayo in ay Nayjeeriya ka dhacaan sannadka foodda inagu soo haya ee 2003.

Madaxweyne Obasanjo, ayaa sheegay in khilaafka siyaasiga ah ee ka oognaa Nayjeeriya toddobaadadii tegay uu keenay in dunidu ay fahmi waydo xaaladda ka jirta Nayjeeriya. Madaxweyne Obasanjo, wuxuu intaa ku daray in ay Nayjeeriya muujisay sida ay u kortay nidaamkeeda dimuqraadiga ahi.

Madaxweyne Obasanjo, waxaa la doortay sannadkii 1999-kii, iyadoo ay doorashadiisu soo af-jartay 15-sannadood oo ay Nayjeeriya ku jirtay gacanta Maamulo Milateri.

Maamulka Maraykanka Oo Ka Hadlay

Awoodda Sharci Ee Uu Bush Ku Weerarayo Ciraaq

Texas (W.Wararka): Garyaqaanada guriga cad ee dalka Maraykanka looga taliyo ayaa soo gebagebeeyey baadhitaan ay ku cadaynayaan awoodda sharci ee uu Madaxweyne Bush u leeyahay amarka uu ku bixin karo weerar lagu qaado Ciraaq, iyadoo aanu golaha Kongarasku weerarkaa ogolaan.

Garyaqaanadaasi waxay sheegeen inaanu Madaxweyne Bush weerarkiisa Ciraaq wax fasax ah uga baahnayn golaha Kongaraska, waxayna taa ku sababeeyeen dhawr arimood oo kala: Iyadoo uu Madaxweyne Bush yahay taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka, isla markaana uu go’aamin karo amarka kama dambaysta ah ee lagu dagaal geliyo ciidamada Maraykanka. Sidoo kale waxay garyaqaanadaasi sheegeen inuu jiro sharci la ansixiyey xiligii uu socdey dagaalkii gacanka ee 1991-kii, sharcigaas oo Madaxweyne Bush awood u siinaya inuu amro dagaal lagu qaado dalka Ciraaq si loo fuliyo xukun ka tuurista Sadaam Xuseen ee u qorshaysan Madaxweyne Bush. Waxa kale oo jira bay yidhaahdeen garyaqaanadaasi qoddob kale oo uu Madaxweyne Bush tixraaci karo si weerar loogu qaado Ciraaq oo aan taa ansixinteeda loola golaha Kongaraska, kaasina waxa uu yahay xeer ay hore u ogolaadeen Kongarasku, soona baxay ka dib dhacdadii 11-kii Sabtembar ee weeraradii qaraxyada Maraykanka, wuxuuna xeerkaasi maamulka Maraykanka u fasaxayaa in wixii talaabooyin ah ee lagula dagaalamayo argigixisada ay qaadi karaan oo aanay kaga xidhmi karin ansixinta Kongaraska. Laakiin saraakiisha maamulka Bush ayaa ku andcoonaya inaanay xukuumadda Washington sina uga tegi karin inay Kongarasku qayb weyn ku yeeshaan talada weerarka lagu qaadayo Ciraaq, xataa hadii bay yidhaahdeen uu weerarkaa fulintiisa sharcigu u fasaxayo maamulka.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Bush ayaa isna ku dooday inaanay arintani ahayn mid ku fulaysa sifo sharci ee ay ku doodeen garyaqaanada guriga-cad oo keliya, laakiin waxa kale oo maalintii shalay si adag uga hadlay weerar lagu qaado Ciraaq Madaxweyne-kuxigeenka Mararkanka Dick Chenny, kaas oo sheegay in loo baahan yahay in la dedejiyo weerar ladu qaado Sadaam Xuseen-ka Ciraaq, si looga hor tago buu yidhi waxyeeladiisa, sidaa darteed aan loo baahnayn in weerarka Ciraaq dib loo dhigo, isaga oo Dick Chenny ku tilmaamay Sadaam Xuseen shar-wade macangag ku ah xukunka, khatarna ah. Sidoo kale Af-hayeen u hadlay guddiga nabadgelyada Maraykanka isna sheegay inuu aqalka Kongaraska Maraykanku dersayo mawduuca ku saabsan dagaal lagu qaado Ciraaq, iyadoo la eegayo dhinacyada kala ah: Sharciga, siyaasadda iyo dhacdooyinkii soo jireenka ahaa. 

Marwada Madaxweynaha Iyo Koox

Wasiiro Ah Oo Booqday Degmada Arabsiyo

Arabsiiyo (Haatuf):- Marwada koowaad Marwo Huda Barkhad Aadan, ayaa Axaddii dorraad si weyn loogu soo dhoweeyay tuulada Arabsiiyo ee degmada Gebiley, halkaas oo ay ku tagtay marti-qaad qado-sharaf ah oo ay ka heshay bulshada degaankaas.

Sida uu ku soo waramay wreiyaha Haatuf ee Gebilay, Marwo Huda oo ah haweenayda uu qabo madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale, waxa marti-qaadkaas u fidiyay Ururka Haweenka Qaranka (NOW), ee magaalada Arabsiiyo, waxayna halkaa tagtay iyada oo hor-kacaysa wefti baaxad leh oo ka tirsan dawladda oo ay ka mid ahayd wasiirka Horumarinta Qoyska, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, wasiirka Macdanta iyo Biyaha, wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiir ku xigeenka Kaluumkaysiga, wasiir ku xigeen Waxbarashada, guddoomiyaha ururka haweenka ee NOW iyo mas’uuliyiin kale oo ururkaa ka tirsan.

Isla markaana waxaa Arabsiiyo ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Degmada Gebiley Xasan Yuusuf Rooble, Guddomiyaha ururka UDUB ee Gebiley Xuseen Nuur Bakaal, iyo mas’uuliyiin kale.

Marti-qaadkaas oo lagu tilmaamay mid ururka NOW ee Arabsiiyo uu ku maamuusay Marwada cusub, Qado-sharafta kadib, ayaa mas’uuliyiintu waxay haweenka Arabsiiyo u jeediyeen khudbado koob-kooban oo ku aaddan doorashooyinka dalka ku soo fool leh, iyo doorka looga baahan yahay haweenku inay ka qaataan.

Mas’uuliyiinta iyo wax-garadka degaanka Gebilay, ayaa toddobaadkii hore daboolka ka qaaday in aanay diyaar u ahayn doorashooyinku inay ka dhacaan degaankooda, ilaa inta laga xallinayo tabashooyin dhinaca degaanka ah oo ay tirsanayaan.

Urur Cusub Oo Ka Dhahsay Burburkii Ururka ILAYSKA

Burco (Haatuf):- Xubno hore uga tirsanaa ururka ILAYSKA Somaliland, ayaa Axaddii kaga dhawaaqay magaalada Burco urur cusub oo la baxay Xisbiga Jamhuuriga ah ee Shacbi-weynaha Somaliland.

Xubnaha ururkan cusub ku dhawaaqay waxa ay guddoomiye u doorteen Cismaan Abokor Maxamed, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii ururka ILAYSKA, marna Guddoomiye ka ahaa.

Sida uu sheegay war-saxaafadeed Burco laga soo saaray ururka Jamhuuriga mabaadidiisu waa mid dhex-dhexaad ah, ujaadadiisuna wa sidii dalka isbeddelo dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho oo mug leh uga dhici lahaayeen.

Ururkan oo lagu dhawaaqay waqti ay xidhan tahay diiwaangelinta ururada, ayaa Cismaan Abokor waxa uu sheegay in ururkoodu aanu ka qaybgalayn tartanka doorashooyinka waqtigan dalka laga qaban-qaabinayo.

Cismaan Abokor waxa uu sheegay in ay ururkan cusub ku dhawaaqeen, kadib markii sida uu sheegay la majara-habaabiyay ururka ILAYSKA, musharrax aan la isla ogayna lagu dhawaaqay.

Ururka ILAYSKA, ayaa dhowaan khilaaf soo dhexgalay u kala jebiyay dhawr qaybood, iyada o qayb ka mid ahi ay sheegtay in ururku uu la midoobay HORMOOD, qayb kalena ay Hargeysa kaga dhawaaqday musharraxa ururka, halka qaar kalena ay ururka cusub samaysteen.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed Ururka ILAYS ka soo saaray Hargeysa shalay, ayaa beeniyay in xubno ka tirsnaa Ilaysku ay ku dhawaaqeen urur cusub. Iyada oo war-saxaafadeedku sheegay in ay tahay been-abuur uu samaynayo nin hore ururka looga saaray (Cismaan Abokor).

War-saxaafadeedku waxa uu sheegay in Cismaan Abokor uu xubinimadiisii ururka waayay bishii February.

DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Degaanka Iyo Shirka Johannesburg

Fikirkii ay dadyowga adduunku ku xallinayeen mushkiladaha nolosha iyo horumarinta qaab-nololeedkooda ayaa sababay in la sameeyo qalab iyo gaadiid leh noocyo kala duwan.

Mishiinada ay ka mid yihiin baabuurta, wershadaha, diyaaradaha, maraakiibta iyo wax wal oo ku shaqeeya Batrool ama naafto, waxaa ay leeyihiin saamayn degaan oo ah qiiqa ay hawada ku soo kordhiyaan mishiinadaasi markay gubtaan.

Waxyaalaha kale ee wershaduhu sameeyaan sida weelalka cabitaanka lagu shubo, Bacaha, Birta iwm, ayaa iyaga qudhoodu leh saamayn degaan marka ay ku milmaan carrada oo isbeddel ku keenta carradii ay ka bixi jireen daaq iyo dhir leh faa’iidooyin degaan oo kala duwan.

Dareenka iyo waxyeelada soo gaadhay degaanka dabiiciga ah ee dunidu, waa mid aad u taabatay dunida, taas oo ay muujinayso tirada madaxda adduunka ee dhan ilaa boqolka, ee hadda ka qaybgalaya shirka magaalada Johannesburg ee waddanka Koonfur Afrika uga socda dalalka adduunka.

Runtii marka la is barbar dhigo waddamada horumaray iyo kuwa soo koraya, waxaad moodaa in dayaca iyo moogaanta waxyeelada gaadhaysa degaanku ay ku badan tahay waddamada so koroya ee ay dalalka Afrika ka midka yihiin.

Dhinaca Somaliland, waxaa muuqata waxyaalaha waxyeelada u leh degaanku ha joogee, in inta badan aan dadku fahamsanayn dhawaaqa dheer ee ay dunidu kaga digayso waxyeelada degaanka dabiiciga ah cawaaqib xumada ay u keenayso nolosha dadka iyo noolaha kale ee ku nool Somaliland.

Inkasta oo ay Somaliland leedahay hay’ado dawli ah oo ku magacaaban degaanka iyo Badda, haddana ma muuqato in ay gaadheen meel uu hawlqabadkoodu ka hortag muuqda ku yeelan karo, qaababka keenaya burburka qaabkii dabiiciga ahaa ee Somaliland, waxaa suurtogal ah in hay’adahaasi aanay helin dhaqaale, qalab iyo aqoonyahano ku filan baahida hawlgalka lagu ilaalinayo degaanka Somaliland dhul iyo Badba.

Marka la eego Somaliland iyo dalalka kale ee Afrika, waxaad moodaa in ay jirto rajo lagu badbaadin karo degaan fara badan oo dhibaato iyo waxyeelo soo gaadhi lahayd sannadaha soo socda, haddii xilligan la bilaabo barnaamijyo waxtar u leh dhinac walba sida wacyigelinta, sharciyada ka hortagga tallaabooyinka keeni kara waxyeelo degaan, ilaalinta xuduudaha degaan iyo kuwa Badeed, cilmi-baadhisyo kala duwan oo saamayn ku leh dhirta, daaq, ugaadha iyo kalluunka ku nool degaanada Somaliland, si talo looga bixin karo horumarintooda.

Hadda marka la eego Somaliland, waxaa u muuqda waxyeelada degaan ee muuqda dhawr arrimood:

v      Awooda ilaalinta xeebaha Somaliland oo u muuqata in aan si buuxda looga ilaalin karin suurtogalka in lagu shubo wasakh waxyeelo u leh degaanka Badda iyo noolaha ku nool, wasakhdaas oo ay waxyeeladeeda caafimaad soo gaadho hawada iyo dhulka labadaba.

v      Goynta dhirta oo u muuqata mid maalin walba socota iyadoo ilaalinta dhirtu ay aad uga hoosayso sida ay ahaan jirtay 20 sannadood kahor xilligaas oo ay jireen shaqaale ilaaliya dhirta (Forestry).

v      Isticmaalka bacda oo aad u korodhay, taas oo keentay tiro badan oo bac waxyeelo u leh dhirta, xoolaha iyo ciidu inay ku faaftay degaanada Somaliland.

v      Ilaalinta ugaadha iyo seerayaal u gaar ahaan jiray meelaha qaar Somaliland, si aanay u dabar go’in oo hadda hawlgab ah.

Marka la eego shirkan ballaadhan ee ka socda Johannesburg oo qodobadiisa ugu waaweyn ee lagaga hadlayo ay ka mid tahay daryeelaka degaanka adduunka iyo qaababka looga ilaalin lahaa waxyaalaha wasakhaysan ee u keena waxyeelada caafimaad Dadka iyo noolaha kale ayaa ah shirkii labaad ee noociisa ah muddo 10-sannadood ah, iyada oo kii hore lagu qabtay magaalada Rio De Janeiro ee dalka Brazil, ee koonfur Ameerika.

Xeel-dheerayaal ka faalooda arrimaha degaanku waxay sanadahan dambe aad ugu celcelinayaan inuu isbeddel ku dhici doono Atmosphere-ka hawada dunida, haddii aan dunidu ku dhaqaaqin tallaabooyin lagaga hortegayo waxyeelada maalin walba gaadhaysa degaanka.

Xeel-dheerayaashaasi waxay tilmaamayaan in hawada dhulka uu u soo gudbi doono kulayl ka badan kii hore ugu soo gudbi jiray, iyada oo ay taasi ka iman doonto waxyeeladii ka timid kiimikooyinka lagu isticmaalay dunida oo ay sheegeen inay dalool u sameeyaan dahaadhkii hawada ee ku gadaanaa dhulka.

Ha yaraato ama hase badnaatee waxaa laga filayaa shirka Johannesburg inay ka soo baxaan go’aano ay ka mid yihiin kuwo wax-tar u leh degaanka adduunka daryeelkiisa.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Cali Baan Ahayoo Bixin Maayo Codkayga
 

Cali baan ahayoo bixinmaayo codkayga. Maandhow Maxaa dhacay, maxaad uga golleedahay. Waxaan uga golleeyahay, anigaa idin garansiin haddii aan idin garansiiyo ujeedadayda, wakhti dhow haddii Caadil ina gaadhsiiyo, waxaa lagalayaa doorashadii xisbiyada tirada badan. Haddaba, xisbiyada waxa u caado ah, kuwa Afrika oo aynu ka mid nahay inta ay isa soo xanbabooraan, is-xayaysiiyaan, soo qaataan xaashi cad ayay labada dhinac ee xaashida ka buuxiyaan; waxannaan qabanaya, waxannaan samaynaynaa, dadka oo dhammi shaqooyin ayay helayan, baddaanu malab ka dhigaynaa, ayaa kii ku guulaysta marka uu isku hubsado, ayaa wixii uu ballanqaaday iyo xaashidiiba inta uu duu-duubo oo uu xaga dambe ka tuuro, ayuu inta uu soo qaato xaashi kale ku qortaa wixii isaga u dan ah ee uu door-bido oo markaasna bilaabaa siduu lacag iyo maal u heli lahaa, reerrahoodana wax u siin lahaa dedaalkeeda ku kacaa, isaga oo isticmaalaya xoolihii laga soo ururiyay Maatida ku dhaqan dalkan.

Aniga oo taa ka hortagaya bixinmaayo codkayga, sida caaddada u ah dadweynaha reer Somaliland ee bilaashka codkooga ugu ridaya sanaaduuqda bilaa shuruuda ah, waxaan bixin kara uun cod marka kii ku guulaysta doorashada uu fuliyo wixii uu ballanqaaday, kuna wado dalka kitaabka Eebbe iyo Sunihii rasuulka (c.s.w).

Cali Maxamed Goolle, Hargeysa.

Biyuhu Lugahooday Shalawga Ku Doontaan

Anigoo tixraacaya Wargeyska Haatuf, cadadkiisii 143 ee 23/8/2002, maqaalka ku daabacnaa ee ahaa; “Dadka Reer Gabiley oo Si ba’an uga dayriyay Doorasho Deegaankooda ka dhacda.”

Haddaba, anigoo reer Gabiley ah, waxaan si buuxda u taageeraya go’aanka waxgaradka Reer Gebiley ay gaadheen ee ah kan wargeyska ku xusan. Horta waxgaradka reer Gabiley, waxay cuskadeen qodob distoori ah oo Xukuumaddu ballanqaaday in ay dhamaystirto xuduuddaynta Gobollada iyo degmooyinka doorashada deegaamada ka hor, sida ay sheegeen in dhul badan ama meelo badan la isku haysto ama mushkiladi ka taagan tahay waa run, in badanna la isku deyay in la xaliyo, laakiin laguma guulaysan. Gabiley maaha meel cusub ee waa magaalo qadiim ah oo marxallado kala duwan soo martay, deegaannimadeeda waxa halgan dheer u soo maray Alla ha u naxariistee Jaamac Samatar, aakhirkiina ku guulaystay in degmo laga dhigo, taas oo muddo dheer ahayd Sub-Distirict.

Degamada Gabiley markii la ogolaaday, waxa laga dheegay oo laga jaray labada degmo ee kala ah, Boorama iyo Hargeysa, maabkii markaa la sameeyeyna waan hayaa, dhulkiina ma fidin, mana duubmin, sida Maayarku yidhina in la yooyootamana la qabyaaladeeyo ma wanaagsan oo Somalilander kasta wuu degi karaa. Halkii aan sanduuqa dhigan lahaa anigoo ASAD-ka Gabiley, haddii ASAD-ka Gobolka Waqooyi-Galbeed soo dhigto sanduuq, anna yeelimaayo. “Riyuhu shalawga lugahooday ku doontaan” anigoo niyadda ku haya arrintan, ayuu Illaahay idinka dhawaajay. Xuquuq aad u farabadan baa igaga lunsan degmada Gabiley, xaquna ma lumo intay doontaba ha qaadatee.

Waxaan jecelahay oo aanan marnaba ka hor imanayn, halka laga dhigo xuduudda, laakiin yaa deggen sanduuqna dhiggan kara?

cid aan Madaxdayda ahayn oon eersanayaa ma jirto, waayo iyagaa xuquuqdayda Gabiley lumiyay, maantana Illaahay baa gacantayda soo geliyay taladii. Sidaas darteed, “YAA BADSHEY TEGI.”

Gabiley in Gobollada lala simo xaqbay u yeelatay, laakiin maaha sida aad u sheegtay ee ah dhaqaalaheeda awgeed, waa dadka ku nool awgeed. Cashuurta Maaliyadda meel kasta waa la geyn karaa ee dadka yaan qalad laga dhaadhicin. Anigu waxaan jeclahay in xuduudda Gabiley xoog loo fidiyo, waayo, halkii la geeyaba waxaan ku kalsoonahay oo dadkayga deggen muddo Toban sannadood ah ayaan ku dulmana degmada Gabiley oon dulqaadanayay, maanta waxaan sanduuq dhiganayaa Gabiley badhtankeeda, anigoo ASAD ah.

Waxaan ku soo geba-gebaynaya, waxgaradka Gabiley ee maqaalka qoray iyo anaga oo reer Gabileygii dulmanaa ah, fagaare isugu keen keenna, si aynu xuduudda degmada u sugno doorashada deegaamada ka hor, hana la xisaabtamo ee isu keen keenna.

Colaad Dhoore Warsame, Hargeysa

Haweenka Somaliland ma ka tallaabi karaan Kijinka, Si Ay u gaadhaan Kursiga?

Waxaa jirtay odhaah sheegaysa in ay haweenku yihiin bulshada badhkeed, haddana ay dhallaan badhka kale, markaa waxay yihiin bulshadoo dhan. Waxaan taa u arkaa wax run ah, markaan eegno dalkeena Somaliland oo ay haweenku inta badan ka yihiin udub-dhexeedka Qoysaska reer Somaliland.

Markaad martid wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, ama tuulaha yaryar ee ku yaal dacalada dalka, waxaa ku soo jeeda haween farabadan oo agagaarka jidadka tuullan oo iibinaya waxyaabooyin kala duwan, ka bilow caanaha, khudradda, jaadka, hillibka iyo makhaayadaha shaaha lagu iibiyo, taas oo ay si firfircooni ku jirto u soo saarayaan nolol-maalmeedka qoysaskooda. Firfircoonida oo lid ku ah, qunyar u socodka iyo hurdada ragga dalkeena.

Waxaan taa u aanayn karna, Soomaalida oo ka soo jeedda xoola-dhaqato, taas oo ay haweenku qabtaan hawlo aad u culus, ragguna ay geedaha hoostooda fadhiistaan, markaa haddii aan xusno in inta badan ee reer Somaliland (Kuwa ku nool magaalada), ay ka yimaadeen baadiyaha, waxaan odhan karnaa in ay caaddadaasi saamayn ilaa hadda ragga ku reebtay, waxaana jira asbaabo kale oo la odhan karo waxay keentaa in ay haweenku qaadaan xilka qoyska, waxaana ka mid ah:

1.             Isku-duubnaan la’aanta qoysaska ku nool baadiyaha, taas oo keenaysa in ay Gabdhuhu ka soo baxsadaan baadiyaha markay xamili kari waayaan nolosha adag ee baadiyaha, markay magaalada yimadaanna waxay bilaabaan in ay shaqaystaan, waxayna biilliyaan reerrahooda iyo naftoodaba.

2.             Furitanka badan oo galaafta nolol qoysas aad u farabadan, taas oo hadday carruuri jiraan, masuuliyadooda inta badan waxaa qaata dumarka, waxayna ku khasban yihiin in ay shaqeeyaan, sidii ay u soo saari lahaayeen biilka Carruurtooda.

Waxaa la odhan karaa sababta ugu wayn ee ay ku dumarku suuqa ugu soo baxeen, waxay tahay dib-u-dhacii ku dhacay doorkii uu ninku ku lahaa qoyska reer Somaliland, kuwaas oo haba yaraatee aanan werwer ka muujin nolosha qoysaskooda, sida ay werwer uga muujiyaan calleenta cagaaran ee ay cunnaan (Jaadka). Hase yeeshee, waxa la-yaab leh in ay doorkaa (kaalintaa) dhaqaale ee aadka u weyn ee ay haweenku leeyihiin, ayna soo raacin culays Siyaasadeed oo ay haweenku leeyihiin.

Waxa la odhan karaa in taas loo aanayn karo, sababo kala duwan oo ay ka mid yihiin;

1.       Bulshada Somaliland, waa bulsho rageed, waxaa aad la yaab leh in ay raggu ka gaabiyaan hawlaha guryahooda, haddana ay haweenka xukunka iyo in ay talo yeelato u diidaan.

2.       Haweenka oon dareensanayn kaalinta ay bulshada ku leeyihiin, taas oo ay keenayso tacliin la’aanta haweenka.

3.       Haweenka oona ka midaysnayn aragti siyaasi oo gaar iyaga u ah, sida dhammaan haweenka Caalamka. Haweenka Somaliland intooda badan, waxay sitaan aragtida ninkeeda, waxay taageertaan xisbiguu taageero, waxayna dooran doontaa musharaxuu ninkeedu doorto, taasi waa haddii ay Siyaasadda wax ka garanayso, laakiin haddayna wax ka garanayn, iskuma wareerinayso.

Haweenku waxay bulshada ku leeyihiin culays Siyaasadeed oo aad u weyn, taageeradoodana waa la raadsadaa, taas oo dhanna waxaa ka midaysan xisbiyada Somaliland oo qaarkoodna ay mabaadi’dooda ku soo dareen odhaahyo maamuusaya doorka ay haweenku leeyihiin, iyagoo ku soo daray Golahooda qof ama laba haween ah, si aynu kasbadaan codka haweenka. Laakiin, rajada ay qaar ka mid ah haweenku qabaan oo ah in ay galaan tartanka doorashooyinka Madaxtinimada, waxay u baahan tahay wakhti aad u dheer iyo shicib ka Madax jilicsan kuwan hadda jira waxay u baahan tahay dedaal aad u farabadan oo ay ku kacaan ururada haweenka Somaliland, kuwaas oo beddelaya isha shakiga ah ee ay ragga dalku ka qabaan naagaha oo ay u arkan in ay xilalka Siyaasadeed ka awood yar yihiin, ayna si fiican uga soo bixi karayn. Wuxuu jab ka dhacay in iska daa raggoo in ay dumarkii shaki ka qabaan in ay qaban karaan hawlaha cul-culus ee Siyaasadda oo ay dareemayaan in ay ku haboon tahay ragga.

Waxaan Wasiirada cusub ee Arrimaha Qoyska iyo dhammaan wixii daneeya arrimaha bulshada aan u soo jeedinayaa;

1.          Inta aan lagu fekerin Siyaasadda sidii loo xoojin lahaa kaalinta ay haweenku bulshada ku leeyihiin.

2.          In la kordhiyo tayada tacliimeed ee haweenka, iyadoo la soo saarayo haween cilmi leh oo  qaadan lahaa dhammaan tallaabooyinkii ay ku buuxin lahaayeen kaalintooda madhan.

3.          In lagu fikiro in la kordhiyo awoodda dhaqaale ee ay haweenku leeyihiin, taas oo loo samaynayo iskaashatooyin lagu maal-gelinayo mashaariicda yaryar ee ay haweenku rabaan in ay samaystaan.

4.          In Wacyi-gelin Siyaasadeed loo sameeyo dumarka, taas oo la garab socota wacyi-gelin dhinaca bulshada ah iyo horumarinta qoyska, iyadoo haweenka lagu barayo xuquuqda Siyaasadeed iyo bulsheed ee ay xaq u leeyihiin.

5.          In la mideeyo dhammaan daladaha u doodda xuquuqda dumarka, taas oo keenaysa in ay midoobaan safkoodu, sidii ay u gaadhi lahaayeen hadafka ay wadaagaan oo ah horumarinta haweenka.

Axmed Iid Obsiiye (Catoosh), Hargeysa.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Manchester Oo Ku Taamaysa Difaacyahanka Sorin Iyo Burdisso

Manchester (Reuters) – Maamulka Manchester United, ayaa ku hawlan sidii ay ula soo wareegi lahaayeen difaacyahannada reer Argentine ee Juan Pablo Sorin oo difaac baalka ka ciyaara ah iyo difaacyahanka kale ee Boca Juniors, Nicolas Burdisso. Kooxda Ingiriiska ah, waxay ujeedadeedu tahay sidii ay xulkeeda u adkayn lahayd, kahor intaan la gaadhin bar-dhammaadka muddada sayladdu furnaanayso oo ku eeg 31-ka bisha August.

Ciyaaryahanka Sorin, waqtigan wuxuu u diiwaan-gashan Yahay kooxda Brazil ee Cruzeiro, oo iyada hadda wadahadal u socdo kooxda Talyaaniga ah ee Lazio oo rabta inay ciyaartoyga la wareegto. Hase yeeshee, dhinaca Talyaaniga oo dhaqaale xumo ku habsatay darteed, waxaa dhici karta in ciyaartoygu u jan-jeedhsado dhinaca Old Trafford.

Heshiiska waxaa ka suurtogeli karta in Lazio qaddar lacag ah dul-saarato, ciyaartoygana ay Manchester ku wareejiso, taas oo fududayn karta deyntii ay kaga lahayd Jaap Stam, oo uga wareegay Lazio bishii September ee kalhore.

Wakiilka Sorin, oo lagu magacaabo Gustavo Mascardi, wuxuu kulan la yeelanayaa Cruzeiro iyo Lazio, waxaan loo qorsheeyay dhammaadka toddobaadkan inuu ka dhaco magaalada Rome oo lagu fudadaynayo sidii looga midho-dhalin lahaa heshiiska.

“Heshiiska aas-aasiga ahi wuxuu gaadhsiisan Yahay 11 milyan oo dollar inay Cruzeiro ugu wareejiso Lazio,” ayuu yidhi Mascardi.

Hase yeeshee, wuxuu qiray in lacag la’aani ka muuqato kooxda Talyaaniga, wuxuuna markale yidhi; “Laakiin kooxda Talyaanigu way beddeshay mawqifkeedii, waxayna hadda ku rabtaa sannad amaah ah, halkii ay ahayd in ay sheegto qiimaha ay wax ku doonayso.”

Dhinaca kalena, 21-jirka difaaca Boca ee Burdisso, ayaa ah mid Manchester danaynayso, kadib markii tabobaraha Manchester Alex Ferguson u khushuucay markii dhawaan ciyaarta saaxiibtinimo ku dhexmartay Old Trafford, tasina ay keentay in Manchester hungurayso.

Mascardi, oo sidoo kale wakiil u ah Burdisso, wuxuu daboolka ka qaaday in kooxda Manchester uu ka helay dalab qiimihiisu Yahay shan milyan oo giniga Ingiriiska ah. Inkasta oo uu qiray rabitaanka Manchester, haddana fikrad ahaan wakiilku wuu ka soo horjeedaa qiimahaas ay ku doonayso ciyaartoyga oo uu mid aad u yar ku tilmaamay marka ayuu yidhi loo eego qiimihii ay hore ugu iibsatay difaaca.

Hasselbaink Oo Barcelona U Hanqal-Taagaya

London (AP) – Weeraryahanka reer Holland ee Jimmy Floyd Hasselbaink, ayaa bar-tilmaameed ka dhiganaya sidii uu ugu hayaami lahaa naadiga Isbaanishka ah ee Barcelona. Sida ay tibaaxayaan warar laga soo xigtay wakiilka ciyaartoyga, Chelsea waxay isu diyaarinaysaa inay iibiso haddi ay lacag fiican ku hesho weeraryahanka.

Hasselbaink, wuxuu ka mid Yahay tiro weeraryahano ah oo Barcelona kala dooranaysay, tan iyo markii uu fashilmay heshiiskii Mario Jardel ugaga soo wareegayay kooxda Sporting Lisbon ee Bortaqiiska.

Alberto Luque, oo Real Mallorca u safta iyo weeraahanka Deportivo ee Diego Tristan ayaa ka mid ah ragga la hadalhayo ee Barcelona ugu jira liiska ciyaratoyga ay baayacayso.

Wakiilka ciyaartoyga ayaa qiray sida Hasselbaink u danaynayo kooxda Isbaanishka ah. Hase yeeshee, Nijman wuxuu qiray in arrintu ku xidhnaan doonto hadba sida Chelsea u aqbasho socdaalka ciyaartoygeeda, taas oo aan mid qallafsan noqon karin haddii aan kharashka la isku mari waayin.

Kharashka ay dalbatay Chelsea in lagaga iibsado ciyaartoyga 30-jirka ah, waxay ku dhadhaartay 15 milyan oo gini, waana mid ka badan qiimaha loo gaadhay oo ah 8 milyan oo gini.

Ciyaartoyga laftiisa, waxaa ka muuqata hamuun xad-dhaaf ah oo uu u hayo kooxda Catalan, isaga oo arrintaa daah-furayana wuxuu yidhi; “Barcelona waa koox laxaad weyn, Van Gaal-na wuxuu ka mid Yahay kuwa ugu wanaagsan tabotabarayaasha jira,” ayuu yidhi Hasselbaink.

Hasselbaink, wuxuu kooxda ku tilmaamay mid u qalanta meel loo digo rogtana ugu wanaagsan. Wuxuu kale oo xaqiijiyay, inuu aad u jecel Yahay ku biiridda kooxda.

Gaashaan Iyo Caafi Oo Ciyaari Dhexmartay

Arbacadii toddobaadkii hore oo ku beegnayd 22/8/2002, waxaa magaalada Burco ka dhacday ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmartay kooxda CAAFI oo ku ciyaaraysay magaca Burco iyo kooxda GAASHAAN oo ku ciyaarta magaca ciidanka qaranka Somaliland.

Ciyaartaasi, inkasta oo ahayd kulan saaxiibtinimo, haddana labada naadi waxay ku loolamayeen koob loo dhigay oo lagu maamuusay Mubaarak Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ahaa ciyaartoy reer Burco ah.

Koobka oo loogu magac-daray “Bidhi”, waxaa ku guulaysatay Caafi –Burco, oo 2-1 kaga adkaatay kooxad GAASHAAN.

Kulankaas oo ka dhacay garoonka Alamsay Stadium, wuxuu ahaa mid aad u qurux badan, labada kooxoodna waxay soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu sarayso oo raali-gelisay dadweynihii u soo daawasho tegay.

Yaasiin Axmed Cismaan iyo Axmed Jamac Warsame ayaa kala dhaliyay labada gool ee CAAFI, halka uu goolka GAASHAAN oo rigoore ahaana uu u saxeexay Farxaan Cabdi Muuse oo ka mid ah ciyaartoyga Hargeysa kuwa ugu ciyaarta fiican.

Caawa Iyo Kulamada Kooxaha Horyaalada Yurub

London (AP) – Iyada oo uu ka qaday ciyaartii kama-dambaysta horyaalada Yurub oo ka dhacay gurigiisa Glasgow, ayaa maamulaha Manchester Alex Ferguson, markale halis ugu jiraa inaanu ka mid noqon sannadkan oo ciyaarta kama-dambaysta ahi ka dhacayso Old Trafford.

Dhar-casta oo ay kaga adkaatay wareega ugu dambeeya Bayer Leverkusen, oo iyana Real ku quusisay kulankii kama-dambaysta oo lagu qabtay Hampden Park – Glasgow.

Xiddigaha Ferguson, waa inay ka aar-goostaan guul-darradii kooxda horyaalka Hungary ee Zalaegerszeg oo 1-0 kaga badisay kulankii hore, haddii kale waxay halis u tahay inay ka hadho wareega horyaalada Yurub.

Inter Milan, ayaa iyana uu ka maqnaan doonaa xiddiga koobka adduunka ee Ronaldo, marka laysku arko kulanka labaad ee horyaalka Yurub oo ay la yeelanayso Sporting Lisbon. Labada kooxood waxay ku kala baxeen bar-baro (0-0).

Ronaldo wuxuu ku soo laabtay Milan, kadib markii uu soo gutay ciyaartii uu dalkiisu yeeshay Arbacadii tagtay. Hase yeeshee, lagama hunguri qabo inuu safto kulanka San Siro, isaga oo aan weli tabobar kooxda la samayn darteed.

Muddo toddobaado ah markii uu soconayay war ku saabsan tegitaanka Ronaldo ee Real Madrid, ayaa dhawaan labada koxood isla qireen inuu burburay wadahadalkodii oo uu cakiray qiimaha lagu kala iibsan lahaa.

Weeraryahanka Inter Christian Vieri, ayaa la filaya inuu safto, inkasta oo uu lug ka cawaran Yahay. Halka ciyaartoyga cusub ee Fabio Cannavaro ay u badan tahay inuu ciyaaro kulankiisii ugu horreeyay ee Inter.

Kooxda martida ah, ayaa qudheedu la qabta kala dhimaanshaha ciyaartoyga. Sporting Lisbon, waxaa ka maqnaanaya xiddigaha Mario Jardel iyo Joao Pinto.

Jardel oo xili-ciyaareedkii hore ugu sarreeyay gol-dhalinta Yurub, oo uu 42 gool ku hantay, waxa ku habsatay niyad-jab ka dhashay xaaskiisii oo ay kala tageen iyo isaga oo door-bidaya inuu ka guuro Boortaqiiska.

Ciyaaryahanka Bortaqiiska ee Joao Pinto, wuxuu u fadhiyaa ganaax afar bilood ah, kaas oo lagu xukumay koobkii adduunka ee dhawaan dhammaaday.

“Ma odhan karo waxaan diyaar u nahay ama aanu leenahay weeraryahan horyaalnimada hiigsan kara,’ sidaa waxa yidhi maamulaha Sportin Lisbon, Laszio Boloni.

Kulamada caawa iyo habeen dambe, waa kuwa aad u daran, waayo waxaa wehelisa faa’iido badan oo ay helayso kooxad qaybta kale u soo gudubtaa, haddiikale waxay waayaysaa malaayiin dollar oo dhinaca telefishanada iyo canshuuraadka ah.

Manchester oo ka adkaan weyda koox aan sumcad ku lahayn Yurub ayaa iyana keenaysa inay seegto fursadda ay ku ciyaari lahayd kulanka kama-dambaysta ah oo ka dhacaya garoonkeda caanka ah oo qaada 68,000 oo qof.

Ferguson, oo ka hadlaya kulanka caawa ayaa ku tilmaamay mid halis ah, balse wuxuu muujiyay kalsooni.

“Waxay noqon doontaa khatar haddii aanaan guulaysan, laakiin taasi waa mid aanan ku tashanayn,” ayuu yidhi Ferguson.

Hase yeeshee, Manchester maaha kooxda keliya ee halista ku jirta, AC Milan oo u tegaysa Sloven Liberec, oo ay Arbacada la ciyaarayso. AC Milan 1-0 ayay ku badisay wejigii hore oo gurigeeda ka dhacay, inkasta oo ciyaartoyga Rivaldo u safanayo, haddana wxay u baahan tahay inay xaqiijiso sidii aanay xilli-ciyaareedkan khasaare ugu dhicin.

Feyenoord, oo 1-0 ku badisay ciyaartii hore ayaa u tegaysa kooxda Turkiga ah ee Fenerbahce.

Kooxda afarta jeer ku guulaysatay horyaalnimada Yurub ee Bayern Munich, ayaa 3-0 ku dhammaysay kulankii hore oo ay debedda ku soo yeelatay, waxayna u muuqataa mid faa’iido weyni ugu jirto. Inkasta oo tabobare Ottmar Hitzfeld, uu caddeeyay inaanu dhayalsan doonin kulanka habeen dambe.

Newcastle, oo 1-0 ku soo badisay ayaa haysata hal gool iyo faa’iidada ciidda ee kulanka labaad oo ay la yeelanayso Zeljeznicar.