Haatuf, Cadadki 147, Aug.28, 2002

Madaxweyne Rayaale Oo Ergo

Salaaddiin Iyo Guurti Ah U Diraya Gobolka Sool

Hargeysa (Haatuf):  Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay kulan kula yeeshay madaxtooyada golaha Salaaddiinta iyo odayaal ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland.

Kulankaas oo ahaa fadhi gelinkii dambe ah wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin arrimaha lagaga wadahadlayey. Hase yeeshee, xubno ka tirsan salaaddiinta kulankaas ka qaybgashay ayaa Haatuf u sheegay in kulankaas ay ka qaybgaleen Salaaddiintii doora oo isugu jira kuwa la baxay golaha salaaddiinta ee dowladda ka soo horjeedey iyo kuwii muxaafidka ahaa, siyaasiyiin iyo tiro badan oo ka tirsan golaha Guurtida, lagagana wadahadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay ergo isku dhaf ah oo turxaan bixin ah in loo diro Beesha Sool.

Warku waxa uu intaas ku daray in odayaashaas iyo Madaxweynuhu isla meel dhigeen in ergo isku jir ah loo diro sida ugu dhakhsaha badan si ay ula soo xaajoodaan beeshaas.

Ergadaas la qorshaynayo in loo diro Sool waxa ku jiraya qaar ka mid Salaaddiintii Burco kaga dhawaaqday golaha Salaadiinta oo intii ka dambeysey wadahadalkii ay Madaxweyne Rayaale isugu soo dhowaadeenba ku sugnaa Hargeysa, madax-dhaqdhaqameedyo kale iyo xubno ka tirsan Golaha Guurtida. Waxayna sheegeen salaaddiinta aannu la xidhiidhnay in ergadaa la isku afgartay, laakiin salaadiintu ay u sheegeen Madaxweynaha inay iyagu dib isugu noqonayaan si ay u soo diyaariyaan qorshaha ay ku baxayaan, dhakhso-na loo bixi doono.

Mudane Cabdulqaadir Cali Xasan (Indho) oo ka tirsan mudanayaasha beesha Sool ugu jira Golaha Guurtida ayaa isaguna Haatuf u xaqiijiyey qorshaha Madaxweynaha ee ah in ergo isku dhaf ah oo ka kooban Somaliland oo dhan iyo mucaarid iyo muxaafidba loo diro Sool. Mudane Cabdulqaaddir waxa uu sheegay in ergadaasi ay qaadayaan waraaq cad, taas oo uu sheegay in ay tahay beesha Sool inay ku soo qorto wax kasta oo ay tirsanayso. Waxana uu ugu baaqay beesha inay wixii ay qabtoba ergadaa u bandhigto, isagoo rajeeyey in Madaxweyne Rayaale-na uu aqbali doono waxa ay beeshu soo sheegato.

“Waxa aan Rayaale oo hore u ballanqaaday inuu isagu tegayo Laascaanod ayaa la filayaa inuu ka digayaa in arrintaa maanta aan la siyaasadayn oo aan lagu dabiqin siyaasadaha gudaheenna ee muxaafid iyo mucaaridba lagu guntado,” ayuu yidhi mudane Cabdilqaaddir, isaga oo sheegay in ay tahay fursad muhiim ah oo ay tahay in sideeda looga midha-dhaliyo.

Madaxweyne baajiyey booqashadiisaa oo waqtigii la qorsheeyey dib uga dhacday, uuna tegi doono ergadaas ka dib. 

Xukuumadda Somaliland Oo Safiiro Cusub

U Magacowday Wadamo Yurub Iyo Afrika Ah

Hargeysa (Haatuf):  Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay wakiil cusub u magacaabay xafiiska diblomaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay Addis Ababa, isla markaana wakiilkii hore Somaliland ugu fadhiyey halkaas ayuu u beddelay dalka Jarmalka.

Sida uu sheegay war saxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Madaxweyne Rayaale waxa uu u magacaabay wakiilka Somaliland u fadhiya Addis Ababa Cumar Xaaji Maxamuud, isaga oo wakiilkii hore Muj. Cabdillaahi Askar Barkhad u diray dalka Jarmalka Federaaliga ah, halkaas oo uu sida warku sheegay uu kaga hawlgelayo wakiil ahaan.

Wakiilka cusub oo war-saxaafadeedku ku tilmaamay inuu yahay “heer safiir ah” waxa uu mar ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya Djabuuti, halkaas oo laga soo saaray wakiilka iyo reerkiisaba horraantii sannadkii 2002 markii xidhiidhka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Djabuuti uu xumaaday, taas oo ka dambeysey khilaaf ka dhashay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ay Djibuuti martigelisey oo labada dowladood isku maan-dhaafeen qaabka qabanqaabadiisa.

Dalka Jarmalka ee loo beddelay Cabdillaahi Askar ayaan Somaliland ku lahayn xafiis diblomaasiyadeed oo rasmi ah. Hase yeeshee, Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdi Idiris waxa uu sheegay in Somaliland ay ku lahayd dalkaas wakiil uu ugu yeedhay “qunsul-sharafeed” kaas oo uu sheegay in uu dhowaan iskaga yimi halkaa.

Cabdi Idiris waxa uu u sheegay in magacaabista iyo isku beddelka wakiilladani ay qayb ka tahay dedaal ay xukuumaddu qaadday beryahan dambe oo ay ku xoojinayso siyaasadda dibadda, isaga oo sheegay in sidoo kale wakiillo cusub loo magacaabay dhawr dal oo kale oo ay ka mid yihiin Biljamka, Norway iyo Kenya.

Sida uu sheegay Afhayeenku nin la yidhaahdo Maxamed X.Nuur ayaa loo magacaabay Wakiilka Somaliland ee Norway, Maxamed Dacar ayaa isna loo magacaabay wakiilka Somaliland ee Biljamka, halka Ex-Ambassador Xuseen Cali Ducaale, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Nayroobi, Kenya loo magacaabay wakiilka Somaliland ee Afrikada Bari fadhigiisuna uu yahay Nayroobi.

Kalfadhiga Golaha Dhexe Ee

Ururka ASAD Oo Ka Furmaya Hargeysa

Hargeysa (Haatuf):  Kalfadhigii koowaad ee Golaha Dhexe ee Isbahaysiga ASAD (Alliance for Salvation And Democracy) ayaa loo qorsheeyey inuu ka furmo Xarunta xisbigaas ee magaalada Hargeysa maalinta Sabtida ee 31-ka August, sidaana waxa daboolka ka qaaday Guddoomiyaha ASAD Saleebaan Maxamuud Aadan (S/Gaal).

Saleebaan waxa uu ugu yeedhay dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee ASAD oo kala jooga gobolada iyo degmooyinka dalka inay ka soo qaybgalaan shirka koowaad ee golaha Dhexe oo Sabtida ka furmaya Xarunta ururka ee magaalada Hargeysa.

Golaha dhexe ee ururka ASAD oo ka kooban 95 xubnood waxa lagu doortay shirweynihii koowaad ee ururkaas oo lagu soo gebagebeeyey Hargeysa 17-19kii bishan August. Waxana uu guddoomiyuhu Haatuf u sheegay in shirkan Golaha dhexe lagu dejin doono qaab-dhismeedka ururka iyo sidii ururku u gudageli lahaa hawlihiisa.

 

Badhasaabka Awdal oo ka deyriyay Macaluul iyo Biyo-la’aan ka taagan xeebta Galbeed

Boorama (Haatuf): Guddoomiyaha Gobolka Awdal, ahna Duqa magaalada Boorama Maxamed Muuse Bahdoon, ayaa ka dayriyay xaaladda nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanada xeebaha galbeedka Gobolka Awdal.

Mr. Bahdoon oo shalay xafiiskiisa Boorama ugu warramay Weriyayaasha, waxa uu sheegay in kormeer hawleed oo uu ku soo maray degmooyinka Lughaya iyo Saylac iyo Tuullooyinka jiidaas uu ku soo arkay, xaalad adag oo ay ku sugan yhiin dadka iyo xoolaha deegaankaas, kuwaas oo uu sheegay in ay halis ugu jiraan harraad iyo macaluul ka dhalatay Abaar iyo Roob yaraan mudooyinkan dambe barriinsatay deegaamadaas.

Mr. Bahdoon, waxa uu intaas ku daray in xaaladda caynkaas ah ay weliba ku qulqulayaan qaxooti laga soo celiyay Djabuuti, waxana uu ku dhalliilay hay’adda Qaxootiga UNHCR oo qaxootigaas ay soo celisay. Isaga oo sheegay in UNHCR aanay weli dhammaystirin adeegyada aasaasiga ah ee nolosha dadweynaha oo ay hore u ballanqaaday hay’addu, in ay dadkaa u diyaarinayso goobaha lagu soo celiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Mr. Bahdoon, waxa uu sheegay inkastoo UNHCR ay deegaanadaa ka dhistay xarumo Caafimaad, waxyaabo kalena ay ka qabatay, haddana biyo la’aanta darteed aanay nololi ka suura-gelayn. Sidoo kale, waxa uu sheegay in jid la’aanta deegaankaasi ay tahay dhibaato kale oo sii xoojinaysa duruufta adag ee nololeed ee haysata dadkaas. Isaga oo sheegay in gurmad kasta oo loo fidin laha dadkaas ay caqabad ku tahay, iyadoo aanu deegaankaasi lahayn wado gaadiidku u maro, isla markaana guddoomiyuhu waxa uu sheegay in UNHCR ay ka baxday ballan ay ku gashay dayactirka jidka dhinaca Djabuuti kaga yimaadda deegaankaas xeebta galbeedka Awdal.

Waxa uu sheegay in Maamulka Boorama uu booyado biyo ah u diray deegaanka Lughaya oo uu sheegay in dhawr qof harraad ugu dhinteen bishan August, halkaas oo uu sheegay inuu fadhiistay ceelka keliya ee loo yaqaano Karuure. Waxa kale oo uu sheegay in dad u dhashay deegaankaas oo dibadaha joogaa ay ka caawiyaan dadkaas, dayactirka ceelka loo yaqaan Ceel-gaal iyo adeegyada kale, sida; Waxbarashada iyo Waddooyinka.

Mr. Bahdoon dhinaca kale, waxa uu sheegay in inkastoo ay jiraan duruufahaas adag, haddana ay dadka deegaankaasi ka ogolaadeen in doorashooyinku uga dhacaan deegaankooda, si nabadgelyo ah.

Tartanka Xisbiyada Somaliland

Ma Noqon Doonaa Bilaa Turxaan?

Cumar Daahir Cumar

Hannaan Doorasho oo xor ah, si loo gaadhsiiyo dal ayay salka ku haysaa Nidaamka xisbiyada badan ee Siyaasadda oo u muuqda, sida suuqa xorta ah ee Ganacsiga, ayaa inta badan hirgelintoodu ay u muuqataa mid ay dhibaato, muran iyo ismaan-dhaaf badani uu ka yimaado marka laga hirgalinayo wadamada dunida saddexaad ee ay Afrika ka mid tahay.

Haddaba, marka nidaamka xisbiyada la doonayo in laga hirgeliyo dal sida Somaliland oo kale ah, waxaa lagama maarmaanna in sida xaqaa’iqa ah lagu saleeyo aasaaska, hannaan-qaadka iyo hufnaan ku tartanka doorashooyinka xisbiyada.

Arrinta Somaliland xusidda mudani waxay tahay, taageerayaasha xisbiyadu ma fahamsan yihiin in xisbi ama urur siyaasadeedku uu xubnihiisa uga baahan yahay maal-gelinta dhaqaale ee lagama maarmaanka  u ah, dhismaha urur ama xisbi siyaasadeedka iyo fulinta hawlahiisa, haddii uu guuleysto iyo haddii kale-ba. Arrintaas oo u muuqata ku talo-gal dheer, haddiise aan dadkeena inta badan aanay taas fahamsanay, Maxaa u sababa?

Sababta arrintan, ayaa laga dhex heli karaa taariikhda xisbiyadu ay ku leeyihiin Somaliland, taas oo muujinaysa in xilliyadii dambe uu ah xili xisbi qudhi jiray, xisbigaana ay dawladdu lahayd, iyadaana maal-gelin jirtay. Xilligii intaa ka horeeyay, waxa jirtay inta badan xisbiyo ay Madax ka ahaan jireen tijaartii ganacsi, kuwaas oo iyagu maal-gashan jiray xisbigooda. Marka aynu barbar dhigno arrimahaas xaaladda xisbiyada ee hadda, waxaa muuqata arrin saamayn ku leh xisbiyada oo ah dhinaca dhaqaalaha iyo sida ay suurto-gal u tahay in la helo cadaalad iyo sinaan ay xisbiyadu ku tartamaan.

Dhinaca dhaqaalaha, waxay arrintani khusaynaysaa xisbiga ay ku jiraan Madaxda ugu mudan Maamulka Somaliland ee hadda oo ah UDUB, arrintaasi oo su’aali ay ka taagan tahay sida loo kala saarayo jeebka hantida ummadda ee hadda maamulkeeda ay hayaan masuuliyiinta Somaliland ee ka midka ah ururka UDUB iyo suurta-gal ma tahay in aanay hantida, gaadiidka, masuuliyadaha ay hayaan in aanay u adeegsan hawl-galka ururkooda UDUB?

Marka arrintan runta laga sheego, waxaa muuqata inuu ururka UDUB ay adag tahay, sida uu uga samato baxo in aan lagu maal-gelin hantdia iyo masuuliyadaha sharciyan dhexda u ah Qaranka Somaliland iyo ururada Siyaasadda. Arrintan waxaa iyana run u ekeysiin karta, dhiiranaanta ay Madaxda UDUB ku sheegayeen in muddo ahba in ururkoodu uu diyaar u yahay in aan doorashadu dib uga dhicin xilligii loogu talo-galay, taas oo u muuqata isku halayn uu UDUB ka haysto hanti badhitaarta, halka ay ururada kale ee Somaliland ay ku tuhmayaan inuu UDUB haysto bakhaar uu isagu xisaabiye, bixiye iyo maamulaba ka yahay oo ah hantidii ummadda. Doodda ururada Siyaasadda ee Somaliland ee aan ahayn UDUB, marka ay ku saleysan tahay arrimaha aan soo sheegnay, waxa ay muuqan karaan kuwo iyagu xaaladda jirta run ka sheegeeda u dhow.

Dhinaca kale, waxaa isweydiin leh, haddii uu tuhunka ururada Siyaasadda ee hadda aan ku jirin Maamulka Somaliland, sida ururka UDUB u sidaa ahaado oo uu weliba saamayn ku yeesho haddii doorashooyin dhacaan, waxaa soo baxaya in lagu hungoobo natiijada Siyaasadeed ee laga filayay in tartanka xisbiyada badani ay sare u qaad sumcadeed u keenaan weji siyaasadeedka Somaliland ee ku jihaysan dunida kale.

Dhab ahaan masuuliyadda in doorashada iyo tartanka xisbiyadu inuu noqdo mid ka saafi ah tuhun iyo cabasho ka timaada ururada ku tartamaya inta badani waxay saaran tahay Maamulka Somaliland, hadda hogaamiay oo isla markaana ka tirsan urur-siyaasadeedka UDUB.

Arrimahaas Hogaanka Somaliland xilligan oo uu ku dhaqmo jawiga cusub ee xisbiyada ee ay u guurayso Siyaasadda Somaliland, ayaa u muuqda mid taageera in Somaliland ay baadhitaar ka hesho natiijada tartankaas, dhayalsiga wada-tashiga arrintan, dhinac wax u jiidashadu iyo daboolista jiritaanka dhalliilo run ah oo khuseeya arrimaha qoraalkan aynu ku xusnay, waxaa ka dhalan kara dhibaato saamayn ku yeellan karta dhammaan Shacbiga Somaliland, xataa cidii ku talisay.

“Madaxtooyada Somaliland Waxaan Ku Soo War-Geliyay Is-Dhiibista Wasiirka Xannaanada Xoolaha”

Cismaan Qawdhan Warsame

Hargeysa (Haatuf): Cismaan Qawdhan Warsame oo ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee deggan dalka Norway, ayaa soo gaadhsiiyay Wargeyska Haatuf, Qoraal uu kaga hadlayo Is-dhiibista Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland warkiisa sheegaya inuu dhawaan ka codsaday dawladda Ingiriiska Magan-gelyo.

Cismaan Qawdhan Warsame, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Jaaliyad ahaan, gaar ahaanna inta u dhalatay beesha Sool ee ka tirsan Jaaliyadaas ay ku khasbeen in Wasiirku uu ka noqdo dalabkiisa Magan-gelyo ee uu waydiistay dawladda Ingiriiska, uuna dib ugu noqdo Somaliland.

Cismaan wuxuu intaa ku daray inuu wasiirku u ballanqaaday inuu ku noqonayo Somaliland ugu dambayn maalinta Arbacada oo maanta ah, haddii aanu Wasiirku isbeddelin ayuu ku daray.

Waxa kale oo uu sheegay Cismaan oo uu yidhi; “Kadib markii aanu cadaadis xoogle ku saarnay inuu ummaddii soo aamintay ee hawsha u soo dirsatay, magacoodana uu ku soconayay uu u dhammaystiro hawshay u soo dirsadeen, isla markaana xilkooda u soo wareejiyo haddii uu jeclaystay qaxootinimadaa, iyadoo ay noo muuqatay in ay waxyeelo u geysan doonto xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland, isla markaana ay ka aamin baxayaan Shirkadaha Fiisooyinka u soo saara haddii ay ogaadaan in ay is-dhiibaan Wasiiradu.”

Cismaan waxa kale oo uu sheegay inuu xidhiidh la sameeyay Wasiirka, una sheegay inuu ka noqdo is-dhiibista.

“Waxaan Wasiirka la xidhiidhay sabtidii 17/8/2002 oo aan u sheegay inuu ka noqdo is-dhiibista, maadaama aan la ogaan, waxyeelana ay u gaysanayso dadkii soo dirsaday.”

Waxa Cismaan qoraalkiisa ku sheegay inuu khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxtooyada, una sheegay arrinta.

“Isla Maalintii sabtida (17/8/2002) khadka telefoonka ayaan ugu diray Madaxweyne Rayaale Xoghayntiisa, una faray in arrintani waxyeelo ku tahay wadanka iyo xukuumadiisa,” ayuu yidhi Cismaan.

Cismaan Qawdhan, wuxuu qoraalkiisa ku soo gunaanaday oo uu yidhi; “Haddii Wasiirku jeclaystay inuu qaraabadiisa London soo gacan mariyo, waxay ahayd inuu fasax qaato, dabadeedna meesha uu doonayo ka soo muraadsado.”

“Wuxuu Wasiirku noo sheegay inuu Madaxweyne Rayaale gacantiisa midig yahay, raallina ka yahay, taas oo aanu u fahanay in Madaxweynuhu raali ka yahay ficilkan wasiirku ku kacay, kaas oo niyad-jab iyo uur xumo gaadhsiiyay Jaaliyadihii dibadda wixii maqlay, waxyaalana gaadhsiinaya siyaasadeena arrimaha dibadda,” ayuu ku soo af-jaray Cismaan qoraalkiisii.

Magacyada Ardaydii Ugu Saraysay Imtixaanaadka Dugsiyada Sare Iyo Dhexe Ee Somaliland 2001/2002

Hargeysa (Haatuf): Dugsiga sare ee 26 Juun ee magaalada Hargeysa, ayaa ku guulaystay qiimaynta Imtixaanaadka laga qaaday Ardayda dhammaysatay dugsiyada sare ee Somaliland oo natiijooyinkiisii shalay la soo saaray.

Maxamed Daahir Xasan Cali oo ka mid ah Ardayda Dugsiga Sare ee 26 Juun, ayaa gaadhay derejadii ugu saraysay dhammaan Imtixaanaadkii la qaaday afartii sannadood ee ugu dambeeyay, Maxamed wuxuu ka mid yahay saddexda arday ee ugu derejo sareeya oo dhammaantood wax ka bartay dugsiga 26 Juun.

Waxaanay u kala sareeyeen sidan:

1.       Maxamed Daahir Xasan Cali, Dugsiga 26 Juun Hargeysa (R/L) 212005, wuxuu keenay 865 dhibcood.

2.       Maxamed Cumar Xuseen Ceelaabe, Roll Lambar; 21230, Dugsiga 26 Juun, Hargeysa, wuxuu keenay 767 dhibcood.

3.       Mawliid Cismaan C/laahi Faarax, (R/L) 251133, Dugsiga 26 Juun, wuxuu keenay 708 dhibcood.

4.       Liibaan Axmed Xirsi Xasan, (R/L) 251025, Dugsiga Sare ee Timacade, Gabiley, wuxuu keenay 697 dhibcood.

5.       C/risaaq Daahir Saleebaan Yuusuf, R/L; 212004, Dugsiga Sare ee 26 Juun, wuxuu keenay 685 dhibcood.

6.       Jibriil Maxamed C/laahi Cali, R/L; 112004, Dugsiga Sare ee Al-Aqsa, Boorama, wuxuu keenay 659 dhibcood.

Sidoo kale dugsiyada dhexe ee dalka, waxaa kaalinta koowaad, labaad iyo saddexaad ku guulaystay saddex arday oo dhigta Dugsiga Sh. Cali Cismaan, waxayna kala yihiin;

1.        Foosi Maxamuud Qoofal Aadan, R/L: 631257-Dugsiga Sh. Cali Cismaan, Hargeysa, wuxuu keenay 629 dhibcood.

2.        Maxamed Ibraahim Ismaaciil Rooble, R/L: 631263, Dugsiga dhexe ee Sh. Cali Cismaan, wuxuu keenay 623 dhibcood.

3.        Nuuradiin Cabdi Cilmi Jaamac, R/L: 631245, Dugsiga dhexe ee Sh. Cali Cismaan, wuxuu keenay 617 dhibcood.

4.        Maxamed Muuse Cabdi Diiriye, R/L: 611238, Dugsiga Xaawa Taako, Boorama, wuxuu keenay 610 dhibcood.

5.        Cabdalle Sacad Aw Muuse, R/L: 653245, Dugsiga Dhexe ee Arabsiyo, wuxuu keenay 610 dhibcood

6.        Jaamac Ismaaciil Nuur Wacays, R/L: 411237, Dugsiga Surrad, Ceerigaabo, wuxuu keenay 607 dhibcood.

7.        C/raxmaan Maxamed Shire, R/L: 111212, Dugsiga Saaxil, Berbera, wuxuu keenay 602 dhibcood.

Ururka HYDA Oo Soo

Gebagebeeyey Aqoon-Is-Weydaarsi

Hargeysa (Haatuf): Ururka Dhallinyarada ee HYDA ayaa shalay soo gebagebeeyey Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan dhibaatooyinka Gudniinka hablaha ee Fircooniga ah oo muddo toddobaad ah ka socdey Xarunta ururkaas ee magaalada Hargeysa.

Aqoon-is-weydaarsigaa oo ay ka qaybqaadanayeen dad ka kala yimi bulshada qaybaheeda kala duwan sida culima-u-diin, waalidiin, dhallinyaro iyo Dhakhaatiir caafimaad waxa soo qabanqaabiyey ururka HYDA, waxaana xafladdii xidhitaanka shalay ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotey wasaaradda Caafimaadka Somaliland, aqoonyahanno iyo waxgarad door ah. Waxaana halkaasi hadal ku saabsan siminaarka ka jeediyey Guddoomiyaha ururka HYDA Axmed Jaamac Nuur iyo Xoghayaha ururka Axmed Yuusuf Aw Cali (Culimo).

Xoghayaha ururka Mr.Culimo ayaa ka xogwarramay doodihii iyo fikradihii ka qaybgalayaashu ka dhiibteen mushkiladda gudniinka fircooniga ah iyo go’aamo uu sheegay in laga gaadhey joojinta caadadaas gudniinka.

Ololaha Xawliga Doorashada

Iyo Wallaaca Ururada Mucaaridka Ah

Burco (Haatuf):  Ururka Xukuumadda ee UDUB ayaa si dardar leh u bilaabay ololihiisa doorashada, iyada oo masuuliyiintiisu ay ku adkaysanayaan in ay dhacayaan doorashooyinka ugu horreeya ee dowladaha hoose oo loo muddeeyey in la qabto dabayaaqada bisha Oktoobar, muddo haatan ay ka hadhay laba bilood ah. Taas lidkeedana ururrada kale ee siyaasadda isu diiwaangeliyey ayaa bilaabay inay dib uga gurtaan mawqifkoodii hore ee doorashada, isla markaana isku qancinaya in aanay doorasho suurtagal ahayn xilligan.

Xoghayaha Guud ee ururka UDUB Dr. Cabdi Aw Daahir iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga magaalada Burco ayaa shalay fagaaraha Khayriyadda ee magaalada Burco kala hadlay boqollaal qof oo reer Burco ah, isaga oo ku baaqay in loo diyaar garoobo doorashooyinka oo uu shaki la’aan ka dhigay inay dhacayso.

Ururka UDUB iyo weftiga Xoghayaha Guud intii aanay khayriyadda tegin waxa ay magaalada ku soo mareen socod gaadiid badan la is-dabageliyey oo dhoolla-tusad ah.

“Waxaan reer Somaliland, reer Togdheer iyo reer Burcoba leeyahay arrinka ina horyaal maanta waa doorasho ha dhacdo,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.

Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay tahay laba arrimood oo kala ah inuu soo xulo musharrixiintii golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Togdheer oo uu sheegay inay yihiin saddex degmo oo ah: Buuhoodle, Oodweyne iyo Burco iyo ta labaad oo ah wacyigelinta ololaha doorashooyinka.

Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in ururrada siyaasadda laga rabo inay gudbiyaan musharrixiintooda golaha deegaanka bisha soo socota ee Sebt. 12-keeda. Shalay ilaa xalayna waxa uu ku hawlahaa Xoghayuhu shirar iyo kulamo uu la yeelanayey beelaha iyo qaybaha bulshada Burco oo ku saabsan xulista 21-xubnood oo uu sheegay in ururka UDUB ka soo sharrixi doono Burco iyo 21-xubnood oo kale oo uu ku tilmaamay kayd.

Cabdi Aw Daahir waxa uu ku faanay in ururkoodu ahaa urur-siyaasadeedkii u horreeyey ee Burco yimaadda muddo sannad laga joogo, iyadoo ayuu yidhi ururrada kale oo dhammi ay wadeen shir-beeleed, isla markaana ay ku guuleysteen in ururradii kale ay mawqifkoodii beddeleen.

“Waxaannu ahayn xisbigii u horreeyey ee halkan ka hadla, inta kale oo dhami waxay wadeen shir beeleed,”ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.

“Waxaannu ku nidhi walaal ka daaya, dhib kastaa ha nagaga timaaddee waannu horgalnay waanuna ku guuleysanay oo maanta ma jiro mid shir-beeleed wada oo aan garanaynaa haddaanu u hoosanayn,” ayuu raaciyey. Isagoo sheegay in sagaal xisbi ay is-diiwaangeliyeen.

“Maantana waxaannu wadnaa sahan kale oo ah doorasho ha la galo,” ayuu yidhi, waxana uu muujiyey dareenka ay ururrada kale kaga maagayaan doorashada, isaga oo yidhi; “Waxaan ka baqayaa in qolooyin ay yidhaahdaan doorasho ma suuroobeyso”.

Ilaa iyo hadda ma jiro urur si cad u qaaddacay doorashooyinka. Hase yeeshee, ilaa intii ururka UDUB uu bilaabay ololihiisa doorashada, isla markaana Madaxweyne Riyaale uu ku dhawaaqay inuu musharrax u yahay UDUB waxaa soo baxay walaac ay ururrada kale ka qabaan doorashada oo isa soo taraya marba marka ka dambaysta.

Ururka HORMOOD oo ka mid ahaa ururradii ugu dhiirdhiirranaa dhinaca doorashooyinka ayaa isagu war-saxaafadeed uu soo saaray Isniintii ku caddeeyey mawqifkiisa doorashooyinka, iyadoo uu ururkaasi ugu baaqay ururrada inay kulan degdeg isugu yimaaddaan si ay mawqif midaysan uga gaadhaan arrinta doorashada. Ururka HORMOOD waxa uu ku sababeeyey taas qabyo badan oo ka muuqatay geeddiga doorashada iyo isku milanka dowladda iyo UDUB oo aan markasta shaki gelinaysa doorasho si xalaal ah oo loogu tartamo.

Bayaankaas ururka HORMOOD waxa u guuxay ururrada siyaasadda qaar ka mid ah iyo siyaasiyiin madax bannaan oo u aragtidaas oo kale qaba. Ururka ASAD ayaa inkasta oo uu is-diiwaangeliyey haddana la rumaysan yahay in aanu beddelin mawqifkiisii hore ee ahaa in aan doorashooyin qabsoomi karin.

Ururka UDUB ayaa markasta mucaaridku ku dhaleeceeyaa inuu isu qaatay xisbi doorasho ku yimi, isla markaana ay isku qasan yihiin dowladda oo aan la kala saari karin.

Waxana uu ku abtirsadaa xukuumadda oo ay markasta isku lammaan yihiin ururka sida ku cad hadalka Xoghayaha Guud ee UDUB Dr.Cabdi Aw Daahir uu u jeediyey dadweynaha Burco:

“Xisbiga UDUB iyo dowladda maanta jirta ee uu madaxda ka yahay Daahir Rayaale Kaahin, markii horena uu ka madaxda ahaa Alle haw naxariistii Maxamed Ibraahim Cigaal, kadibna guddoomiyihii xisbiga uu Rayaale noqday waa xisbi aan aasaaskiisu ahayn qabyaaladda, gobol ahayn …maalinba ninkay u gartaanna uu madax u noqdo oo ay talada u dhiibayaan,” ayuu yidhi.

“Xisbiga UDUB iyo Dowladda maanta jirtaa waa hayin..” ayuu yidhi mar kale.

Madaxweynaha Somaliland mudane Rayaale oo maalmihiisii u horreeyey muujiyey debdebecsanaan iyo inuu diyaar u yahay wadatashi marxaladdan lagaga gudbo. Sidaas darteedna iska ururiyey arrinta UDUB ayaa ololihii uu toddobaadkii hore xawliga ku dhaqaajiyey waxa uu dhaliyey shaki iyo is-weydiin badan oo ku saabsan waxa iska beddelay mawqifkiisii.

Haseyeeshee, warar ka soo baxaya ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in mudane Rayaale uu maaliyad laxaad leh uga helay dibadda doorashooyinka iyo ololaha ururka UDUB. Ilahaasi waxay iftiimiyiin in Rayaale uu maalgelin uga helay doorashooyinka iyo sidii uu ugu soo bixi lahaa ururkiisa UDUB waddamo dibadda ah, gaar ahaan kuwa gobolka Bariga Afrika oo ay ku jirto Itoobiya oo ay aad isugu dhow yihiin dowladda Somaliland, il-gaar ahna ku eegaysa doorashooyinka iyo cidda ku soo baxaysa.

Shirka Johannesburg Oo Ku Heshiiyay Barnaamijka Daryeelka Kalluunka Badaha

Johannesburg (W. Wararka): Wufuudda ka qayb-galay shirka ka socda magaalada Johannesburg ee sal-u-dhigista iyo baahinta horumarka adduunka, ayaa heshiis ka gaadhay shalay barnaamijyada wax lagaga qabanayo xalinta dhibaatooyinka ka jira kalluumaysiga Kalluunka ku nool badaha adduunka.

Heshiiskaas kalluumaysiga ee lagu gaadhay Johannesburg, wuxuu sheegayaa ganacsi kalluumaysi caafimaad qabaa oo ay dunidu gaadho sannadka 2015.

Go’aankan oo ah kii ugu horeeyay ee shirkaasi isku raaco, waxaa la samayn doonnaa Barnaamijkiisii waxqabad oo  dhamaystiran maalmaha ugu dambeeya ee shirkan.

Alex Kirby oo BBC-da uga soo waramay shirka Johannesburg, ayaa sheegay in go’aankaas uu shirku ka gaadhay arrinta Kalluumaysiga uu noqday furitaankii ambo-qaadka Ajandayaasha shirka Johannesburg oo kan lagu heshiiyay ku jiray qoddobka (Agriculture) ee laga wada hadlayay shirkaas.

Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa (UN), ayaa sheegtay in badaha kalluumaysiga ee dunida 25% loo kalluumaystay si qayru-xad ah, 50% iyagana in badaha si buuxda looga dal-dashay kalluunkii, halka 75% ay badaha adduunku u baahan yihiin in loo gurmado oo laga sameeyo seero-badeedyo laga joojiyo kalluumaysiga, si loo badbaadiyo kaydka waxsoosaar ee kalluunka badahaas uu yeellan karo mustaqbalka.

Weriyayaasha ka soo warramay shirka Johannesburg, ayaa ku tilmaamay Heshiiskaas inuu yahay in dunida hadda u diyaara u tahay in ay ka qaado dhinaca dhibaatooyinka kalluumaysiga, si wada-jir ah (Global), qayb ka mid ah heshiis kalluumaysiga ee dalalka adduunka ee shirku uga socdo Koonfur Afrika, waxaa ka mid ah in sannadka 2012 laga sameeyo badaha meelo loo qoondeeyay in lagu tarmiyo noocyada kalluunka ah ee ka sii dabar-go’aya dunida.

Qodobkan kalluumaysiga oo ka mid ahaa guud ahaan waxsoosaarka, wuxuu ahaa Ajandihii 3aad ee uu shirkaasi ka wada-hadlo maalintiisii labaad, iyadoo labadii qodob ee hore oo ahaa Caafimaadka (Health) iyo noolaha (Biodiversity) aanla isku waafiqin, sidii ay dunidu wada-jir ugu waajihi lahaayeen dhibaatooyinka dadyawga adduunka ka haysta labadaa arrimood.

Jabhadda Mucaaridka Yugaandha (LRA) Oo Qafaalatay Dad Rayid Ah

Kampala (W. Wararka): Dagaalyahanada Jabhadda (LRA), ayaa weeraray tuullo ku taalla Waqooyiga Yugandha, Sidaas waxaa ku warramay war ay siidaayeen Ciidamada dalka Yugaandha.

Paddy Ankundu oo u hadlayay Milateriga Yugaandha, ayaa caddeeyay in dagaalyahano ka tirsan jabhadda LRA (Lard’s Resistance Army) in ay weerrareen tuullada Bobi oo 320km dhinaca Waqooyi kaga toosan caasimadda Yugaandha ee Kampala.

Maalintii Axadii ee toddobaadkan, ayaa Mucaaridka Yugaandha ay sheegeen in xabad-joojin labada dhinac ah dagaalyahanada iyo dawladda Yugaandha ay dhaqan-geliyaan. Jabhadda LRA ee Yugaandha, waxay weerarkooda tuullada Bobi ku qafaashay 16-qof oo shicib ah, una badan carruur. Florence Ochola oo ah, hawl-wadeen daryeelka bulshada ah oo ka tirsan hay’adda Carruurta ee SCF, ayaa tidhi; “Waa war wanaagsan haddii ay Jabhadda Yugaandha ee fulliniyaan ballanqaadadooda.” Florence markay ereyadan tidhi, waxay ka hadlaysay xabad-joojin ay dhawaan ku dhawaaqeen jabhadaha Yugaandhi.

Bishii July ee sannadkan, ayuu Madaxweynaha Yugaandha Museveni, wuxuu qoraal hogaamiyaha Jabhadda LRA, Mr. Joseph Kony, si ay dawladda Yugaandha iyo jabhadda LRA ugu furmaan wada-hadalo, laakiin Madaxweynaha Yugaandha taa wuxuu shuruud uga dhigay in ay jabhadda LRA dagaalyahanadeedu isugu tagaan aag sugan oo ku yaalla Koonfurta Wadanka Sudan, ama Waqooyiga Yugaandha, haddii aanay sidaa yeelin jabhadda LRA, wuxuu Madaxweyne Musevane  in ay la macno tahay in LRA ay sii waddayso dagaalkoodii Jabhadeynta ahaa.

Jabhadda LRA, waxaa dagaalka intiisa badan ka dhacay Waqooyiga Yugaandha kula jirtay tan iyo sannadkii 1987-kii iyadoo in ay ka qaxaan Waqooyiga Yugaandha dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa 500,000 (shan boqol oo kun oo qof). Koneyl San Kollo oo u Afhayeen u ah LRA, ayaa u sheegay BBC-da in xabad-joojin ay sideedii u socoto, maadaama ilaa intii ay xabad-joojintaa ku dhawaaqeen aanay dagaalyanada LRA weerarin Ciidamada dawladdu.

Yaa Sahamiyay Oo Helay Qaaradda Ameerika

Buug ka mid kuwa laga qoray taariikhda Adduunka oo magaciisu Yahay (History and Life) Taariikhda iyo nolosha ayaa qoray cinwaanka qoraalkan, qoraalka buugaas oo sheegaya tilmaan taariikheed oo ka duwan ta ay ka qoraan inta badan buugaagta taariikhdu, marka laga hadlayo sidii loo sahamiyay ee loo helay qaaradda Ameerika sannadkii 1492 ee uu helay Bad-mareenka Christopher Columbus. Laakiin arrintan waxaa qoraalo sidaa ka duwan soo saaray arday barata taarikhda oo sheegaya dad kala duwan ooka tegay qaaradaha kale ee adduunka, kuwaas oo tegay qaaradda Ameerika kahor Columbus. Waxaa dadkaa ka mid ahaa; Amiir u dhashay Wales, oo hadda ka tirsan Midowga Boqortoyada Inigiriiska (UK), kaas oo la sheegay inuu gaadhay qaaradda sannadkii 1170. arrintan waxay ragga daraasadda ku sameeyay caddayn uga dhigeen erayo ay iskaga mid yihiin luqadaha ay ku hadlaan Hindida Cas-cas (Red Ingians) ee Ameerika.

Qoraalkaasi uu buugga taariikhda iyo noloshu ka qoray sidii loo helay qaardda Ameerika. Waxaa kale oo uu ku sheegay in Mansa Muse oo ahaa Boqor Boqortooyadii dalka Mali ee Afrika, oo xilligaa ka hawlgabay hawlihii Boqortooyadiisa, oo uu u safray dhinaca galbeed ee dalkiisa, si uu u sahamiyio dhulka ku yaal. Laakiin Mansa Muse dib umuu soo noqon, loomana arag. Laba boqol oo sano kadib taariikhda uu safray Mansa Muse, waxaa cad in Spanishkii tegay qaaradda Ameerika ay kula kulmeen dad madow ah oo ku nool qaaradda Ameerika.

Ku ekaanshaha Afka Shiinaha iyo Afka ay ku hadli jireen AZTEC, oo ka mid ah qabaa’ilka Hindida Ameerika ayay qaar ka mid ah ardayda taariikhda baratay ee Shiinuhu rumaysan yihiin in Sheekh haysta diinta Budhisimku uu tegay Ameerika sannadku markuu ahaa 459 A.D. (kadib dhalashadii Nebj Ciise).

Fikirka ugu dambeeyay ee ka wararmay dadyow hore u tegay qaaradda Ameerika kahor sahankii Colombus, wuxuusheegayaa in dadka loo yaqaan Phoenicians oo asalkodii ka tegay Bariga Dhexe ay uga amba-baxeen dhinaca qaaradda Ameerika sannadkii 600 A.D.

Fikirkan waxaa soo bandhigay daraasxad lagu sameeyay qoraalo tiradoodu ay dhan tahay 400, qoraaladaas oo laga helay magaalada Philadelphia ee dalka Maraykanka. Waxaa 40 sannadood ku mashquulsanaa sidii uu u turjumi lahaa arday la yidhaa Barry Fell oo ka tirsan Harvard, taas oo la helay in Afka ku qoran qoraaladaasi uu Yahay Afka Iberian Punic ee la xidhiidhay Phoenician-ka.

Qoraalkaasi wuxuu xusay in Hindidu ay ku sugnaayeen qaaradda Ameerika ilaa 30,000 oo sannadood kahor.

Sarkaal Maraykan Ah Oo Sheegay In Ay Xubnaha Al-Qaacida Ku Sugan Yihiin Gudaha Dalka Maraykanka

Agaasimaha wasaaradda Amniga Gudaha ee Maraykanka Mr. Tom Ridge, ayaa sheegay in hawl-wadeeno ka tirsan ururka Al-qaacida ee Osama Bin Laden ay ka jiraan gudaha dalka Maraykanka.

Mr. Tom Ridge, oo waraysigiisii ugu horreeyay ee wakaaladaha wararka, markii ugu horraysay waraysi siiyay Idaacadda BBC-da, kadib markii hal sano kahor loo magacaabay hawsha sugidda amniga gudaha ee dalka Maryakanka, oo noqotay hawsha ugu xasaasisan dalka Maraykanka tan iyo 11 September, ayaa sheegay inkasta oo ay jiraan hawlgallo badan oo ay Argagixisadu soo qorsheeyeen in laga fuliyo gudaha dalka Maraykanka in la fashiliyay 12-kii bilood ee tegay, kuwaas oo uu sheegay Mr.Tom inaanu magacaabayn kuway ahaayeen iyo meelaha laga fulinayay. Laakiin wuxuu Mr. Tom inta ku daray inay weli jiraan meelo dabacsan oo ay Argagixisadu ka soo huluulan karaan dalka Maraykanka, si ay falal Argagixiso uga dhex fuliyaan.

Agaasimaha Amniga Gudaha ee Maraykanku wuxuu intaa ku daray in Al-qaacida ay qorsheynayaan in ay falal ka dhex fuliyaan Maraykanka.

Mr. Ridge, wuxuu tilmaamay in ay Dekedaha ku yaal Maraykanku yihiin halka ay suurtogal tahay in uu ururka Al-qaacida u isticmaalo in laga soo galiyo Maraykanka hubka kiimikada ah iyo kan halista ah ee falalka Argagixiso lagaga fulin karo gudaha dalka Maraykanka iyo in aan doorkan loo malaynayn ee weerarada Argagixisadu ay la beegsan karaan gegooyinka diyaaradaha ee Maraykanka.

Mr. Ridge, wuxuu waraysigiisaa ugu sheegay BBC-da, I ay u dhawdahay inuu jiro weeraro uu ururka Al-qaacida qorsheynayo in uu fuliyo 11 September, ee sannadkan 2002, oo ah bisha soo socota.

Madaxweyne Bush Oo Wada-Hadal La Yeeshay Safiirka Sucuudiga Ee U Fadhiya Maraykanka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr. George W. Bush, ayaa wadatashiyo la leh saraakiisha sare ee dawladaha Carabta o ay xidhiidhka ay la leeyihiin Maraykanka ay waxyeelo kaga timid sida ay dalalka Carabta iyo Maraykanku ugu kala aragti yihiin arrimaha la dagaalanka Argagixisada adduunka iyo dagaal lagu qaado Ciraaq.

Safiirka Maamulka Riyadh u fadhiya Maraykanka, Amiir Bandar bin Sultan, ayaa shalay gelinkii dambe kula kulmay madaxweyne Bush beertiisa Nasashada ee ku taal Crawford, ee gobalka Texas.

Wakaaladda wararka ee Saudi Arabia (SPA), ayaa iyana sheegtay inuu madaxweyne Bush tilifoonka kula xidhiidhay sii hayaha Maamulka Boqortooyada Sucuudiga, Amiir Cabdullah oo ah ninka dhaxaltooyada Boqornimo ee Sucuudiga leh.

Madaxweyne Bush, wuxuu xidhiidhka telefoon ugu sheegay Amiir Cabdullah, in xidhiidhka labada dal ee Maraykanka iyo Sucuudigu, uu yahay mid aad u adag weli. Sidaasna waxa sheegtay wakaaladda wararka ee Sucudi Careebiya.

Xidhiidhkan madaxweyne Bush ee madaxa Carabtu, wuxuu dib u diiray, kadib markii ay sii kordheen diidmada Carabta ee ku jihaysan in weerar uu Maraykanku kuqaado dalka Ciraaq, kuwaas oo uu ugu dambeeyay Madaxweyne Masar Xusni Mubaarak, oo si cadho leh ugu khudbadeeyay digniin uu ka digay cawaaqib xumada weerar lagu qaado Ciraaq, iyada oo aan marka xal loo helin arrinta Israel iyo Falastiiniyiinta. Inkasta oo cadaadis lagu diidan Yahay guluf uu Maraykanku ku qaado Ciraaq ay Maamulka madaxweyne Bush kaga imanaya gudaha dalkiisa waddamada kaleba, haddana madaxweyne ku xigeenka Maraykanku Mr. Dick Cheny, wuxuu maalintii Isniintii ee toddobaadkan caddeeyay sida ay Maamulka madaxweyne Bush uga go’an tahay inay xukunka ka tuuraan Sadaam Xuseen.

Laanta Afka Soomaaligu Ee BBC-Du Waxay Noqotay Afhayeenka C/Qaasim

TO: Wasiirka wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland

To: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

To: dhamaan inta daneeya QARANIMADA iyo JIRITAANKA SOMALILAND

UJEEDO: Propogandada Cad ee Laanta Afka Soomaliga ee B.B.C DA

Mudane/Marwo

Ka dib halgan dheer oo loo soo gelay qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland; waxaa madda iyo shacbiga Somaliland hareereeyey duufaano cadawadeed oo aad iyo aad u farabadan, ka soo bilaw shirku sheegii lagu qabtay tuulada Carta ee lagu marin habaabinayey beesha caalamka ilaa wakhtigan xaadirka ah waxaa Laanta afka Soomaliga ee Idaacadda B.B.C du noqotay cadawga koowaad ee shacbiga reer Somaliland. Waxaa taa daliil iyo marag kac kaaga ah in ay dhamaan Laanta Afka Soomaliga ee Idaacadda B.B.Cdu isku bedeshay mid si cad oo aan qarsoodi lahayn ugu shaqaysa hogaamiye kooxeedka Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyada oo aad ku arkayso meel wal oo bogga Internetka ee laanta afka somaliga ah sawirada iyo qoraalada  khaaska ah ee hogaamiye kooxeedkaasi, iyada oo aad iyo aad loo buunbuuninaayo; iyada oo dhinaca kale aan wax qadarin ah la siinin wararka jamhuuriyadda Somaliland.

Hadaba hadii aanu nahay jaaliyaddaha ku dhaqan badhtamaha qaaradda Asia waxaanu tallo iyo tusaale u soo jeedinayna Madaxda wasaaradda warfaafinta iyo Wecyi gelinta jamhuuriyadda Somaliland in dhamaanba xidhiidhka lala leeyahay laanta afka Soomaliga loo laabo inta goori goortahay waxaan mudanayaal idinku baraarujinayna in ay balaayo aan dabo qabasha lahayni ka soo jeedo laantaasi. Soomalida ayaa hore ugu maahmaahday " DOQON USHA AGTEEDA KU DHUFO HADDAY GARAN WAYDANA GOSHA U GALI" hore ayaa loogu digay marar dhawr ah idaacadda laanta afka Soomaliga ee B.B.C da balse wax rajo ah oo cad lagama hayo waxaa haatan la soo gaadhay wakhtigii dhamaanba xidida loo siibi lahaa xidhiidhka lala leeyahay laantan cunsuriyaysan.

Waxaan aad iyo aad ugu rajo weynahay inaad naga aqbali doontan codsigayagan idinka oo ka eegaya dhinac walba. waad mahadsantahiin

From: The Somaliland Community in Central Asia, PAKISTAN.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Del Piero Oo Guul U Horseeday Juventus

Tripoli (Reuters) – Weeraryahanka xulka Talyaaniga Alessandaro Del Piero ayaa horseeday guusha Juventus ka gaadhay koobka Super cup-ka oo ay ku guulaysatay, kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay Parma oo ay Axaddii isku haleeleen garoon caasimadda Liibiya ku yaal.

Kooxda haysata horyaalka Talyaanigu waxay garaacday naadiga Parma oo iyana haysata koobka kooxaha Talyaaniga, sidaana waxay ku mutaysatay koobka Super cup-ka oo sannadkiiba mar loo dhigo labada kooxood ee ku guulaysta labada tartan ee dhexmara naadiyada waddanka Talyaaniga.

Kulankan oolabada naadi isku raaceen in lagu qabto waddanka Waqooyiga Afrika, waxaa daawashadiisa ka qaybgalay Guddoomiyaha FIFA, Sepp Blatter, madaxa horyaalka kubadda cagta Talyaaniga Adriano Gallani iyo Sacdi Al-Qadaafi, oo uu dhalay madaxweynaha dalka Liibiya.

Ciyaartoyga xulka qaranka Japan iyo kooxda Parma Nakata, ayaa khatar geliyay Juventus daqiiqaddii 22aad oo uu kubbad madfac ah ku laaday. Balse waxaa khatartaa badbaadiyay goolhayaha Juventus, Gianluigi Buffon.

Hase yeeshee, Del Piero, ayaa kaga dhabeeyay in kooxdiisu ku hormarto gool-dhalinta daqiiqaddii 37aad oo uu shebaga dhex-dhigay kubbad qurux badan oo uu ka helay weeraryahanka Chile Marcelo Salas.

Intaa kadib, ayay Parma bilowday weeraro aan kala go’ lahayn oo ay ku hayso Juventus. Weeraryahanka Marcedi Vaio, oo hormood ka ahaa khadka hore ee Parma ayaa laba daqiiqadood oo isku xiga khatar geliyay.

Daqiiqaddii 62aad ayuu kubbad khatar ah baalmariyay birta goolka, isla daqiiqaddii 63aad ayuu markale kubadda birta ku dhuftay. Hase yeeshee, isla daqiiqaddii ayuu Di Viao keenay goolkii barbaraha oo ay Parma u qalantay, kaas oo uu ku dhirbaaxay goolka Buffon hortaagnaa.

Sagaal daqiiqadood kadib, ayuu Del Piero, u dhaliyay goolka guusha ee Juventus, markii Marcelo Zalayeta oo beddel ku soo galay, ayaa kubbad gudub ah oo uu ka soo rogay baalka midig, taas oo uu ku raaxaystay Del Piero ugu diyaar ahaa qiyaas aan sidaa uga sii fogayn agagaarka goolka Parma.

Taageerayaal u badan dhallinyaro ku lebisan dirayska qaranka Talyaaniga ayaa buuxiyay laba dalool marka saddex meelood loo qaybiyo daawadayaashii kulankaas oo kor u dhaafay 40 kun oo qof.

Hase yeshee, daawadayaasha intooda badani waxay taageerayeen Juventus, oo ka dhisan Waqooyiga Talyaaniga.

Arsenal Oo Ku Dur-Durisay Westbrom

Kooxda haysata horyaalka Ingiriiska ee Arsenal ayaa ku durdurisay Westbrom, oo ay 5-2 kaga badisay kulan xalay ka dhacay Highbury.

Weeraryahanka Wiltord, ayaa dhaliyay laba ka mid ah, halka Ashley Cole, Lauren iyo Aliadiere ay kala dhaliyeen saddexda kale. Dhinaca Westbrom, waxa labada gool u kala dhaliyay Dobie iyo Jeson Roberts, guul-daradan Westbrom waa tii saddexaad, iyada oo ay hore uga soo badiyeen Manchester iyo Leeds.

Arsenal waxay leedahay toddoba dhibcood oo ay hoggaanka kagala wareegtay Liverpool oo maanta ciyaaraysa.

Sidoo kale, kooxda Tottenham ayaa 1-0 kaga badisay Charlton oo ay wada ciyaareen kulan ka tirsan koobka horyaalka Ingiriiska. Goolka waxaa daqiiqaddii 8aad u dhaliyay Simon Davies.

Kulanka Arsenal iyo WestBrom, waa kii ugu horeyay ee dhinaca horyaalka Premiership-ka ah, oo dhexmara labada kooxood. Hase yeeshee, waxay in badan ku kulmeen ciyaaro kala duwan, kuwaas oo u badan tartamada kale, sida kuwa heerka koowaad (Division one), oo ah kooxaha ka hooseeya derejadan ay hadda taagan yihiin.

Tirada guud ee ciyaaraha labada naadi dhexmaray, waa 113 kulan, 52 ka mid ah Arsenal ayaa badisay, 34-na Westbrom, halka ay 27 kulana barbaro galeen.

104 kulan oo ka mid ah tirada kulamada loo yaqaan League Cup (Old League), 49 ka mid ah 104-ta ciyaarood Arsenal ayaa badisay, 30 kulana Westbrom, 25 ciyaarodona barbaro ayay noqdeen.

Saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee dhexmaray labada naadi, dhammaantood waxya ahaayeen tartanka League Cup.

Arsenal guushii ugu dambaysay ee ay gurigeeda ku gaadhay waxay ahayd 4-0 ay kaga badisay Westbrom, kulankaas oo dhacay 15 December 1984, wuxuu ahaa League Cup-ka. Hoogiiugu weynaa waxaa gurigeeda lagu baday 19 sannadood kahor, waxaana lagaga badiyay 1-0, kulankaasina wuxuu dhacay 3 December 1983.

Labada kooxood dhammaan kulamadii ay ciyaareen, midna bilaa goolal kumay dhammaan. Sidoo kale, intii ay kulmayeen markeliya hal ciyaartoy lagama saarin ciyaarta.

Malcolm Mocdonald, waa ciyaartoygii ugu dambeeyay ee saddex gool ka dhaliyay isu-aadyadii ay wada yeesheen. Weeraryahanka England, wuxu dhaliyay sadex gool oo ka mid ah 4-0 ay Arsenal ku badisay 25 March 1978.

Kulankii ugu horreeyay ee dhexmaraa wuxu udhacay muddo hadda laga 100 sannadood laga joogo.

Guul-darradii ugu weynayd ee Arsenal u geysatay Westbrom, wuxuu ahaa 6-2 gool oo dhacay 19 December 1970. sidoo kale, waxaa iyana guul-darradii ugu xumayd la gaadhsiyay 28 November 1959, waxaana lagaga badiyay 4-2 gool.

Kooxaha Tottenham iyo Charlton, ayaa iyagu ka kulamo yar marka la barbardhigo labadii hore, waxayna ku kulmeen in ka badan 44 ciyaarood oo isugu jira dhammaan tartamada laga ciyaaro heerarka kala duwan ee kooxaha Ingiriiska, 13 kulan oo ka mid ah Charlton ayaa badisay, Spurs-na 22 ciyaarood, halka ay sagaalka kalena barbaro noqdeen.

Labada naadi, waxay hore u yeesheen kulamo horyaalka dalka ah, saddex ka mid ah waxaa badisay Charlton, midna Tottenham, laba ciyaaroodna barbaro ayay noqdeen.

Kulanka keliya ee Spurs badisay wuxuu dhexmaray 20 April 1999, markaas oo Tottenham 4-1 ku adkaatay afartaa goolna waxaa u kala dhaliyay Steffen Iversen, Sol Campbell, Jose Dominguez iyo David Genola. Dhammaan afarta goolba waxay dhasheen qaybtii dambe, markaas oo 1-0 lagu hoggaaminayay. Weligood bilaa goolal kuma dhamaan ciyaar ay wada yeesheen, nooc kastaba ha ahaatee, mana jiraan ciyaartoy labada dhinac midna laga saaray intii ciyaartu socotay.

Weeraryahanka Charlton ee Mike Flanagan, ayaa noqday ka keliya ee saddex gool dhaliya, ciyaartaas oo dhacday 15 October 1977, waxaa 4-1 ku badisay Charlton.

Isla kulankaas ayay ahayd guushii ugu weynayd ee Charlton gaadho, halka Tottenham ay guusheedii ugu weynayd ahayd 5-2 gool, kulankaas oo dhacay maalintii  feedhka oo ahayd sannadkii 1931.

Kulankii ugu dambeeyay ee labada naadi wada yeeshaan oo dhacay 8 December 2001, waxaa 3-1 ku badisay Charlton, goolashana waxaqa u kala dhaliyay Stuart daqiiqaddii 4aad, Lisbie daqiiqadihii 19aad iyo 78aad.

Tottenham-na waxaa goolka keliya u dhaliyay Poyet daqiiqaddii 85aad.

Effenberg Oo Laabta U Garaacay Beckenbauer

Berlin (Reuters) – Ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Jarmalka iyo Bayern Munich, Steven Effenberg, ayaa laabta u garaacay guddoomiyihiisii hore ee Franz Beckenbauer, wuxuuna ku faanay inuu jiidhkiisu bedqabo caafimaad ahaan.

Guddoomiyaha Bayern Munich, Beckenbauer, ayaa si jees-jees ah ugu digtay Effenberg ciyaartii uu soo bandhigay kulankii Sabtidii ee uu u saftay kooxdiisa cusub ee VFL Woltsburg, kaas oo uu ku til aamay mid isbeddal weyni ka muuqday, wejigiisana uu ka muuqday casaan aad moodo buu yidhi inuu is buufiyay.

Effenberg, wuxuu sheegay inaanu Beckenbauer il kalgacal ku eegin, isaga oo intaa ku daray in maamuluhu Burush nijaas ah la daba taagnaa labadii sannadood ee ugu dambeeyay. Effenberg wuxuu intaa ku daray, inaanu arrin khatar ah u arkayn cambaaraynta loo soo jeediyay.

34-jirka khadka dhexe ee Effenberg oo ku biiray Wolfburg toddobadakii hore, kadib markii ay sii daysay Bayern Munich, dhammaadkii xilli-ciyaareedkii tegay. Mar uu toddobaadkii hore u warramay warbaahinta, wuxuu sheegay in uu culays weyn ku kordhin doono kooxda.

Effenberg wuxuu tilmaamay siday caadada ugu noqotay Beckenbauer, faanka iyo is-qaad-qaadka oo uu warbaahinta ka sii daayo; “Haddii aad wanaagsan tahay xejiso, oo yaanay kaa lumin,” ayuu yidhi Effenberg.

Munich, Inter Iyo Manchester Oo U Soo Gudbay Wareega Labaad

London (AP) – Kooxaha B. Munich, Inter Milan iyo Manchester United, ayaa u soo gudbay wareega labaad ee isreeb-reebka kooxaha horyaalada Yurub, kadib markii ay ciyaarihii xalay wada badiyeen.

Manchester United, waxay 5-0 ku der-dertay kooxda aan la aqoon ee Zaleegerszeg. Ciyaaryahanada Beckham, Nistelrooy iyo Paul Scholls, ayaa mid waliba hal gool dhaliyay qaybtii hore. Nistelrooy, ayaa labaystay qaybtii dambe, Solskjear oo beddel ku soo galay ayaan isna lumin fursaddii uu helay, sidaana ku dhaliyay goolkii shanaad.

Kulamadii kalena waxay u dhaceen sidan:

Inter Milan 2, Sports Lisbon 0

Labada gool waxa u kala dhaliyay Di Biagio daqiiqaddii 32aad iyo Alvaro Recoba 45aad.

B. Munich 3, Partizan Belgrade 1

Waxa u kala dhaliyay M. Ballack 26aad, Elber 71aad, iyo Salihamidzic 73aad. Goolka Partizan waxaa dhaliyay Kacer daqiiqaddii 72aad.

Fenerbahnce 0, Feyenoord 2:

Waxay labada gool u kala dhaliyeen daqiiqadihii 48aad iyo 88aqad.

Spartic Prague 4, Genk 2