Haatuf, Cadadki 148, Aug.30, 2002

Siyaasiga Cumar Carte Qaalib

Oo Hargeysa Yimi Iyo Dareenada Siyaasadeed Ee Ka Dhashay

“Kulankeenu caawa waa salaan, laakiin…” Cumar Carteh

Hargeysa (Haatuf): Siyaasiga caanka ah ee Reer-Somaliland Cumar Carte Qaalib ayaa shalay si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa oo uu yimi, ka dib markii uu ka soo kicitimay dalka boqortooyada Sucuudi-Aarabia oo uu fadhigiisu u badnaa tobankii sannadood ee u dambeeyey, waxaana soo dhowaynta Cumar Carte ka qayb qaatay boqolaal dad ah oo isugu jira siyaasiyiin, dhalinyaro, duqay iyo wax garad kale, isla markaana waxa madaarka lagaga soo gelbiyey kolonyo baabuur ah oo ay wateen dadkii soo dhowaynayey.

Marka laga reebo Ehliyadiisa iyo dadka sida gaarka ah ugu dhuun-daloola waxa uu hadal-haynta imaatinka Cumar Carte suuqyada wararka soo galay ugu yaraan labadii maalmood ee ka horeeyey shalay, hase yeeshee habeenidii khamiistu soo gelaysay ayey ehliyadiisa iyo dadka kale ee u xog-ogaalka ahi daboolka ka qaadeen imaatinka siyaasiga Cumar Carte.

Ragga siyaasiyiinta ah ee ka muuqday munaasibadii soo dhowaynta Cumar Carte ee madaarka waxa ka mid ahaa Muuse Biixi Cabdi, Cumar Jaamac (Dhagax-yaley) iyo ninka la yidhaahdo Cabdilaahi Gaax-nuux Cabdi-kabadhe oo ka mid ah raggii ay Cumar Carte sannadihii lixdamaadkii ciyaarta siyaasadda ku wada jireen, iyadoo ay dadka arimaha siyaasadda u dhuun-daloolaa ku sheegeen Cumar Carte iyo C/laahi Gaax-nuug, laba nin oo aragtiyaha siyaasadda ku kala duwanaa, laakiin shalay waxay isku gacan-qaadeen salaan shilis.

Cumar waxaa baabuur lagaga soo gelbiyay Madaarka ilaa Magaalada, wuxuuna ku degay gurigiisa Hargeysa oo ku yaal xaafadda Gol-janno.

Cumar, isaga oo lebisan suudh madow oo ay weheliso koofiyad cad oo Madaxa u saaran iyo cimaamad qoorta u sudhan ayuu weriyayaasha ku qaabilay qolka fadhiga gurigiisa, waa joog dheet oo qoto leh, iyadoo ay wejigiisa farxadi ka muuqato oo qosol dhoola-cadaynaya ayuu soo hor-fadhiistay raxan weriyayaal ah oo war uga marti ah siyaasiga maalintii dalka ku soo kordhay.

Laga soo bilaabo markii lagu war helay imaatinkiisa iyo markii uu Hargeysa soo gaadhayba waxa soo guryo-noqoshada Cumar Carte ee Somaliland laga ururinyaa dareen siyaasadeed. Hase yeeshee Cumar Carte oo ay ragga wararka fidiyaa kula kulmeen gurigiisa, waxna ka waydiiyeen ujeedada imaatinkiisa Somaliland ee waqtigan xaadirka ah waxa uu siiyey jawaab kooban, taas oo uu ka cudur-daartay dood dheer oo siyaasadeed, laakiin waxa uu ugu horayn ku jawaabay “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay sidii caadada ii ahayd inaan imaado dalkaygii hooyo”, laakiin waxa uu intaa ku daray “Aad iyo aad-na waan uga mahad-naqayaa sidii fiicnayd ee naloo soo dhoweeyey”. Intaa ka dib Cumar waxa uu si kooban uga hadlay imaatinkiisa, wuxuuna ugu horayn soo qadimay ereyo uu suxufiyiintii martida u ahayd ugu muujinayo inaanu wax cuqdad ah ka qabin bahda saxaafadda, laakiin haddana waxa uu ka cudur-daartay inaanu hadda diyaar u ahayn inuu warar dheeraad ah oo siyaasadeed bixiyo, wuxuuna yidhi “Dadka siyaasiyiinta ah qaar baa u haysta inay saxaafaddu cadow u yihiin, laakiin anigu waxaan u haystaa ama aan had iyo goor ka dhigtaan saaxiib, idinkuna (weriyayaashii hor fadhiyey) waad ka sii xag jirtaan waayo ehelkii (muwaadiniin) ayaad tihiin, markaa waan idin soo dhowaynayaa”, laakiin wuu sii waday hadalka, wuxuuna yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faanayaa o inta aan idinka maqanahay iyo markii aan idiin imaadoba aan ku faanaa xasiloonida iyo horumarka aad samayseen ee ay dadku muujiyeen kartidooda”, wuxuuna intaa ku sii daray “Marka aan idinka maqanahay dadka aanu saaxiibka nahay ama su’aalo naga waydiiya dalka waxaan ku idhaahdaa Illaahay baa mahad leh, mushkiladii nagu dhacday wuxuu Illaahay ka dhigay inuu soo saaro xooggii iyo kartidii dadka”.

Cumar waxa u amaan iyo bogaadin u jeediyey dadka iyo dawladda Somaliland, wuxuuna yidhi “Amaan iyo bogaadin baa mudan tihiin xaqiiqdii”, laakiin wuxuu intaa ku daray “Waxaan bogaadinyaa saxaafadda marka la eego mustawaha aad gaadhsiiseen idinka oo isku tashaday, halkaana ka sii wada, waxa kale oo aad salaamayaa dadkaygii aan jeclaa, waxa kale oo aan hambalyo u jeedinayaa masuuliyiinta dawladda, kuwaas oo madaxeenii kor u taagay, taas oo aanu aragnay in wixii dastuurka lagu qoray loo fuliyey sidii loogu qoray, taasna guud ahaan amaan baad ku mudan tihiin”.

Cumar Carte waxa uu ugu dambayn hadalkiisa ku soo gunaanaday weedho uu ku muujinayo inaanu caawa (Xalay) diyaar u ahayn inuu diirka ka qaado dareenkiisa siyaasadeed, wuxuuna isaga weriyayaasha la hadlaya yidhi “Caawa waxaan jecelahay inuu kulankeenuna ahaado salaan, laakiin insha’allaahu maadaama aan idinla joogi doono mar kale ayeynu isu soo noqon doonaa oo aynu wixii kale ee loo baahdo iswaydiin doonaa” ayuu hadalkiisii koobnaa ku soo af-jaray, isaga oo sheegay inuu joogi doono wadanka, inkasta oo aanu afka ku dhufan muddo cayiman.

Inkasta oo Cumar Carte ka gaabsaday inuu daboolka ka qaado dareenkiisa siyaasadeed, haddana waxay dad badani tuhunsan yihiin inaanu imaatinkiisu ka madhnayn ujeeddo siyaasadeed, laakiin marka la eego sababta uu uga gaabsaday inuu soo qadimo dareenkiisa siyaasadeed waxay noqonaysaa laba hal mid uun inuu ku talo kala soo kicitimay Sucuudi-arabia, balse uu doonayo in inta aanu ujeedadiisa gole keenin uu horta axsaabtiisa kala tashado sida uu wax u dhigayo iyo xagasha uu ka abaarayo saddex-xagalka siyaasadda iyo ta labaad oo noqon karta inaanu wax ku talo gal ah kala soo ambabixin xagaa, laakiin uu doonayo inuu xaaladda qiimeeyo, ka dibna uu ku xisaabtamo had-ba wejiga ay yeelato maydhax-diirta siyaasaddu.

Cumar Carte ujeedada uu doono iyo waxa uu doono ha damacsanaade, laakiin koleyba waxa uu noqonayaa nin weyn oo siyaasiya oo dalka ku soo kordhay, isla markaana dadka wax ka yaqaan tabaha iyo laacdanka siyaasadda waxay aaminsan yihiin inaanu odaygu danqaamo la’aanayn mar hadii uu yimi, laakiin arintu sida ay doonto ha ahaatee Odaygu marka uu hareerihiisa eego, xaaladdana ku yara loxos-gooyo ayeynu ka war sugi waxa ka soo yeedha.

Cumar Carte Qaalib muddo dheer ayuu maamulka iyo siyaasadda ku soo jirey, taas oo uu xilal badan oo maamul iyo siyaasadeed ka soo qabtay dawladihii isaga dambeeyey dal-weynihii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Sannadkii 1960-62-kii waxa Cumar maayar ka noqday magaalada Ceerigaabo ee hadda ah Xarunta gobolka Sanaag, laakiin sannadkii 1962-kii ayuu safaaraddii ay dawladdii Soomaaliyeed ku lahayd magaalada Mosko ee caasumadda Ruushka ka noqday xoghayaha koowaad (First secretary), balse haddana intii u dhexaysa 1962-64-kii waxa uu ka shaqaynayey xafiiskii ay dawladdii Soomaaliyeed ku lahayd qaramada midoobay, mar kale ayuu 1965-kii noqday safiirka dawladdii Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, xilkaas oo uu hayey ilaa 1968-kii, sidoo kale sannadihii 1972-kii ilaa 1974-kii waxa uu ahaa gudoomiyaha golaha wasiirada ee O.A.U-da, isaga oo isla sannadahaana xilal kala duwan ka soo qabtay jimciyadda qaramada midoobay iyo meela kale oo ururada caalamiga ah. Hase yeeshee wuxuu socdaba sannadkii 1969-kii ayuu noqday wasiirka arimaha debedda ee dawladdii Siyaad Barre, xilkaas oo uu hayey ilaa 1976-kii, waqtigaas oo laga dhigay wasiirka tacliinta sare ee isla dawladdii Siyaad Barre, laakiin sannadkii 1978-kii ayaa laga bedelay wasaaraddii tacliinta sare, waxaana laga dhigay gudoomiye-kuxigeenkii golaha baarlamaanka ee dawladdii Somaliya, xilkaasna waxa uu hayey ilaa sannadkii 1982-kii, waqtigaas oo xabsiga loo taxaabay, wuxuuna xabsi adag ku jirey ilaa 1988-kii, waxayna sannadkii 1982-kii maxkamaddii bad-baadada ee Taliskii Siyaad Barre ku xukuntay dil, isaga iyo rag kale oo uu ka mid ahaa Ismaaciil Cali Abokor, laakiin cadaadis caalami ah oo la saaray dartii Siyaad Barre ma layn raggii ay Cumar iyo Ismaaciil ka mid ahaayeen, isla markaana waa laga soo daayey xabsigii adkaa, waxaana loogu bedelay xabsi gurigooda ah (Prisoner under house Arrest), xabsigaasna waxay ku jireen ilaa 1990-kii, waqtigaas oo Siyaad Barre talada laga tuuray, laakiin markii Siyaad Barre kursiga laga tuuray oo ahayd 1991-kii Cumar Carte waxa uu ra’iisal-wasaare ka noqday dawlad laga dhisay magaalada Muqdisho uu oo Madaxweynena ka noqday Cali Mahdi Maxamed, laakiin dawladaasi ma tis-qaadin, wuuna iskaga tegey Cumar.

Sannadkii 1993-kii Cumar waxa uu ka soo qayb galay shirweynihii ay beelaha Somaliland ku yeesheen magaalada Boorame, halkaas oo uu kursiga Madaxweynenimada Somaliland isugu taagay, isaga iyo rag kale, laakiin Maxamed X.Ibraahin Cigaal, madaweynihii geeriyooday ayaa shirkaa loogu doortay Madaxweyne.Sidoo kale sannadkii 1997-kii oo uu magaalada Hargeysa ka socdey shirweynihii 3aad ee beelaha Somaliland ayuu Cumar Carte yimi ka soo qayb galay, laakiin isma sharaxin.

“UDUB Waa Urur Xukuumiya, Waana Ka Talada Dalka Haya”

Cabdi Aw Daahir

Berbera (Haatuf):- Xoghayaha Guud ee ururka UDUB Cabdi Aw Daahir, oo maalmahanba horkacayay olole ururkiisu ka waday gobollada Togdheer iyo Saaxil, ayaa habeen hore fiidkii meel fagaare ah kala hadlay dadka reer Berbera, una sheegay in ururka UDUB Yahay ururka dawladda ee talada dalka gacanta ku haya. Sidaa darteedna uu socdaalkoodu la xidhiidho sidii ururku isugu diyaarin lahaa tartanka doorashooyinka.

Xoghayaha UDUB, wuxuu dadka u sheegay in ujeedada ugu weyn ee dedaalkoodu tahay sidii loo xuli lahaa xubnihii tartanka doorashada golayaasha degaanka uga qaybgeli lahaa. “Waxaanu idinku boorinaynaa haddaad tihiin reer Berbera, inaad nala xushaan xubno gobolka anfaca, qarankana anfaca oo tartanka golayaasha degaanka ka qaybgala,” ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir. Waxaanu intaa raaciyay; “UDUB waa urur xukuumiya, waana ururka talada dalka gacanta ku haya, waa ururkii uu inoo aas-aasay Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waana xisbigii iyo taladii hirgelisay in dastuurkana anfacay loo codeeyo. Sidaa darteed, Waxaanu ku dhiirigelinaynaa ururada kale inay nagula tartamaan, taas oo ah ta ictiraafkeenu ku xidhan Yahay.’

Xoghayaha ururka kahor, waxa madasha khudbado koob-kooban ka jeediyay Guddoomiyaha Maamulka dawladda gobolka Saaxil, ahna maayorka Berbera, isla markaana xubin ka ah UDUB, Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne), iyo Guddoomiyaha UDUB ee gobolka saaxil Siciid C/laahi Yaasir.

Waxaanay labadooduba ka hadleen arrimo ururka ku saabsan. “Guddoomiyaha gobolka oo kormeer ku tegay degaan ka mid ah gobolka oo abaar ba’ani ka jirto, ayaa jaraa’idka qaar ku naqdiyeen iyaga oo u nisbeeyay ururka UDUB.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha UDUB ee Saxil oo ka cawday war-bixino jaraa’idku ka qoreen dhaq-dhaqaaqyo gobolkaa ka dhacay dhawaan.

BADHEEDH AHA WARGEYSKA

Goormaa Xisbi Siyaasadeed Huwan karaa Magaca Dawladda?

“Ururka UDUB iyo dawladda maanta jirtaa waa hayin”. “Dawladdu waxay qabatay waxyaabo tirobadan, aftidii distoorka loo qaaday, nabadgelyada dalka ka jirta, … doorashadiinawaa diyaar. Markaa UDUB, waxa uu sheego oo uu ku faano ayuu haystaaye, ururada kale maxay sheegi doonaan?”

weedhahaa iyo qaar kale oo tiro badan oo la macne ahiba, waxay ka mid yihiin halku-dhegyo ay marar badan masuuliyiin ururka UDUB ka tirsani ku cel-celiyaan, marka ay ka hadlayaan fagaarayaasha.

Khudbadaha halku-dhegyada noocan oo kale ahi bud-dhigga u yihiin ee had iyo goor ka soo yeedha dhinaca ururka UDUB, waxay muujinaynaa in ururku u dhaqmayo sidii Xisbi la doortay oo talada dalka ku guulaystay, isla markaana waxaa muuqata xitaa masuuliyiinta ururka ee aan xil ka haynin Xukuumaddu in ay isku qanciyeen in ay ku hadlaan afka Xukuumadda marka ay la soo gudboonaataba, sidaa aawadeedna ay ku tar sheegtaan Xukuumaddu waxay qabatay, waxaa iyo waxaa, taas oo la aaminsanyay in duurxulkeedu noqonayoi UDUB baa qabatay arrimahaas. Aragtida noocaas ahi, waxay ka dhaadhacday dad tiro badan oo Shacbiga ka mid ah oo u qaatay hab-dhaqanka noocaas ah mid caadi ah oo aan khalad ahayn, sidaa aawadeedna ururka UDUB ugu yeedha ururkii dawladda, taas oo nuxurkeedu noqonayo xisbigii talada dalka gacanta ku hayay.

Dadka Shacbiga ah ee falsafadda noocaas ahi gashay kuma khaldana, waayo waxay ka mid yihiin bulsha-weynta reer Somaliland oo badidoodu aanay u kala baxsanayn abtirsiinta nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinku. Hase yeeshee haddii uu khalad jiro, waxa eedda yeelanaya cidda leh masuuliyadda in dadka si sax ah loo dhacsiiyo goorta xisbiga Siyaasadeed lagu magacaabi karo xisbiga dawladda, iyo marka kale.

Haddaba, si aynu ugu daadegno dulucda badheedhahan, waxay hadda isweydiintu tahay, UDUB ma loogu yeedhi karaa Xisbi dawladeed? Goormuu Xisbi noqdaa mid magaca dawladda huwada? Xukuumadda talada haysaa xaggay ka soo jeedaa? Xaq ma u leeyahay ururka UDUB inuu isticmaalo hantida ummadda keligii? Iyo qodobbo kale oo ku lamaan.

Inkasta oo jawaabaha su’aalahani yihiin, qaar ka qaraweyn in lagu faaqido qormadan yar, haddana bal aan si kooban qalinka u dul-saaro. Xukuumadda Somaliland ee talada dalka gacanta ku haysa dhismaheedu, wuxuu ka soo jeedaa nidaam beelleed, waxaana lagu soo unkay shirweynihii beelaha ee 1997 ka dhacay magaalada Hargeysa. Arrimaha ugu waaweyn ee xukuumaddan hab-beelleedka loo xilsaaray, waxaa ka mid ah; in ay dalka gaadhsiiso nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka xorta ah loogu tartamo talada. Sidaa aawadeed, waxa muuqata in ku tala-galku ahaa in Xukuumaddani noqoto tii ugu dambaysay ee hab-beelleedka, in ay taas noqon doonto iyo in kalena, imika ku sii dheeraan mayno oo wakhtigii ay kala caddaan lahaydba ma dheera. Hase yeeshee, waxa muhiim ah in aynu hoosta ka xariiqno in ay xukuumaddani tahay mid nidaam beelleed ku timi oo aan ku imanin hab doorasho xor ah oo axsaab kala duwani ku tartameen. Markay sidaas tahay urur iyo Xisbi toona ma huwan karo, magaca dawladda Somaliland.

Dhinac marka laga eego, muran kuma jiro in Golaha Xukuumadda talada haysaa yahay ururka UDUB, ururka UDUB-na yahay dawladdii, waayo Madaxweyne, Ku-xigeen, Wasiiro, Guurti iyo Wakiillaba inta ku bahowday ururku, marna waa dawladdii dalka maamulaysay, marna waa UDUB, labadiiba waa iyaga, hase yeeshee sidaas kuma kasban karo magaca xisbiga dawladda, sababtoo ah Xukuumadda jirta waxa dhalay shir-beelleed, xukuumadduna waxay dabadeed dhashay UDUB. Sida keliya eeuu magaca dawladda ku qaadan lahaana, waxa weeye, haddii uu ururka UDUB doorasho xor ah oo axsaabtu ku beratantay ku heli lahaa qabashada hoggaanka, Sidaana ku soo dhisi lahaa xukuumad UDUB, waayo xisbiga aqlabiyadda ku guulaysta, ayaa qabta hoggaanka oo soo dhisa dawladda. Balse, siduu hadda xaalku yahay waxaa lagu tilmaamaa mid aan qaannuuniyan xalaal ahayn.

Hab-dhaqankan isku siday Xukuumadda Shir-beelleedka ka timi iyo ururkan Xukuumadda ka yimi, nidaam ahaan waxay dad badani aaminsan yihiin inuu horseeday, ururka UDUB inuu ku muraadsado hantidii guud ee Qaranka, taas oo ay ilaa hadda ururada kale ka qaylinayaan.

“Marka laga hadlayo nidaam dimoqraadiga ah ee axsaabta badan, waxa kale iska daayoo Madaxweynaha xisbigiisu guulaysto ee sidaa talada ku qabtaa, marka uu tegayo shirarka ururkiisa, waa mamnuuc inuu kaxaysto gaadhiga Madaxweynaha, wuxuu kaxaystaa gaadhi kale, halkana iyadoo aanu sidaaba ku iman, ayuu ku xaragoonayaa oo uu ku tegayaa kulamada UDUB, wixii kale ee hanti Qaran ahayd-na, sidaas oo kale ayaa loogu tagri falayaa.” Sidaa waxa ku dooday xubno badan oo ka mid ah ururada mucaaridka, kuwaas oo muujiyay in ay si weyn uga walaacsan yihiin sida Xukuumadda iyo ururka UDUB wax u wadaan.

Sababta kastaba haloo barkiyee runta biyo kama dhibcaanka ahi, waxay ku qotantaa in aanu jirin marxaladdan urur sheegan kara magaca dawladda, si taas loo helana ay haboon tahay in si cad loo kala saaro ururka UDUB iyo Xukuumaddan hab-beeleedka ka soo jeeda, taas oo waajib ku yahay in ay dhex u noqoto ururada, wixii tartanka gelayaana ay iska casilaan xilalka oo ururkooda ku calaf-qaadaan.

Madaxweyne-Kuxigeenka Iyo Wefti Uu Hogaaminayay Oo Booqday Degaamada Gebilay

Gebilay (Haatuf): Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay booqasho hawleed ku tegey degmada Gebilay, waxayna weftiga Madaxweyne-ku xigeenku booqashadooda ku soo mareen degaamo kala duwan oo ka mid ah degmada Gebilay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan waxa Madaxweyne-kuxigeenka socdaalkiisa ku weheliyey labada taliye ee ciidanka Qaranka iyo ciidanka Booliska, Xasan Yoonis Habane iyo Dhegaweyne, waxaana ka mid ah meelaha ay weftigaasi socdaalkooda ku soo mareen magaalooyinka Gebilay, Kalabaydh iyo Tog-wajaale, iyaga oo gaar ahaan soo booqday Kastamka qaadka lagu cashuuro iyo mashruuca Tog-wajaale oo ay ciidamadu beertaan. Waxa kale oo ay weftigu booqdeen magaalada Arabsiyo oo uu dhowaan daad dooxa oo soo rogmaday waxyeelo u geytay beero door ah oo kuwa khudaarta ah, dadkuna ay cabasho ka muuijiyeen dhibaatada halkaa ka soo gaadhay.

Weftiga Madaxweyne-kuxigeenka oo ka jarmaaday magaalada Hargeysa waxay Gebilay gaadheen abaaro 8:30 daqiiqo, waxayna ugu horayn hoolka shirarka dawladda hoose ee Gebilay shir kula yeesheen maamulka degmada, waxaana shirkaa ka qayb galay madaxda dhaqanka, duqayda iyo wax garadka kale ee degmada Gebilay.

Maayarka Gebilay, Xasan Xaaji Yuusuf ayaa weftiga Madaxweyne-kuxigeenka warbixin ka siiyey baahiyaha ka jira degmadiisa, wuxuuna si gaar ah u xusay dhibaato biyo la’aan ah oo indhowaale soo food saartay degmada Gebilay iyo dhibaatada ay daadadku u geysteen beeraha khudaarta degaanka Arabsiyo, wuxuuna maayarku hadalkiisa ku soo gebagebeeyey in degmada wax lagala qabto duruufaha ka jira waqtigan xaadirka ah.

Qaar ka tirsan dadkii hoolka shirka fadhiyey ayaa gacmaha taag-taagay korna u sawaxmay, iyaga oo dalbanaya inay hadlaan, laakiin Madaxweyne-kuxigeenka ayaa maayarka ka dib hadalka qaatay, wuxuuna ugu horayn yidhi “Maanta ujeedada aanu u soconay waxay ahayd kormeer la xidhiidha hayadaha dawliga ah ee Gebilay ka hawl gala”, wuxuuna intaa ku daray “Reerka haysta jawaan hadhuudh ah wuu noolaan karayaa, laakiin reerka boqol neef oo adhiyi ma noolaan karo, sidaa awgeed waxaan idin kula dardaarmayaa in wax soo saarka la kordhiyo”.

“Dadka Reer-Gebilay waxay u baahan yihiin Jaamacad cilmiga beeraha ah, laakiin waxa loo baahan yahay inaad idinku marka hore wax qabsataan, wixii kalena la idiin qabto”.

Intaa ka dib waxa, iyaguna madashaa ka hadlay qaar ka mid ah duqaydii shirka ka soo qayb gashay, “Degmadan dadkeeda dawladda ayaa loo tiring jirey, waxaana xuduudaheeda ka jira dhibaatooyin”sidaa waxa yidhi Axmed C/laahi Xareed oo ka mid ah odayaasha shirkaa ka hadlay, wuxuuna Axmed tilmaamay dhibaatada ka taagan dhulka Caadda ee muranka xumi ka taagan yahay, wuxuuna yidhi “Waxaanu doonaynaa inay dawladdu isu timaado oo wax ka qabato dhibaatada caadda”.

Muxumed Geelle oo mar maayar ka ahaa degmada Gebilay ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Dawladdu sharci bay ka soo saartay xuduudaha degmooyinka, hadii aan xuduudaha la hagaajina waa dhibaato taal, waana in la hagaajiyaa”.

Kulankaasi markii u dhamaaday waxay weftiga Madaxweyne-kuxigeenku u ambabaxeen dhinaca Tog-wajaale, halkaas oo ay soo booqdeen mashruuca beeraha ee ciidamada, isla markaana waxay halkaa salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada halkaa fadhigoodu yahay, iyaga oo weftigu dhinaca kalena kulamo la yeeshay odayaasha degaanka Tog-wajaale, waxayna odayaasha degaanka Tog-wajaale kala hadleen weftiga baahiyaha iyo duruufaha ka jira degaankooda iyo in wax lagala qabto.

“Anagu waxaanu nahay beeraley, laakiin dawladdu waxay naga qaaday mashruucii aanu beerran jirey, iminkana xoolaha oo noo daaqa jirey cawska beeraha ku yaal ciidamadu inay naga iibiyaan xaq nooguma laha, inta ay qaataan hadhuudhkii iyo galeydii meesha ka baxday”sidaa waxa yidhi Sheekh Muuse Barkhad oo ka mid ah odayaasha degaanka Tog-wajaale, laakiin Madaxweyne-kuxigeenka ayaa isna hadalo jawaab ah u jeediyey duqayda Tog-wajaale. Intaa ka dibna waxay weftiga Madaxweyne-kuxigeenku booqdeen degaanka Kalabaydh, iyaga oo is dul-tagaay barta kastamka lagu cashuuro qaadka, waxaana halkaa weftiga warbixin ku siiyey maamulaha kastamka Kalabaydh, Cali Axmed, wuxuuna Cali sheegay in dakhliga maalintii ka soo hoyda cashuurta uu gaadhayo ilaa toddobaatan malyuun oo shillin Somaliland ah (70,000 Sl.SH.), waxa kale oo ay weftigu kulamo la yeesheen dadka degaanka Kalabaydh, waxayna weftigaasi dib ugu soo laabteen magaalada Hargeysa isla shalay.

Haweenka Oo Codsaday In Ay Helaan Doorkooda Hogaamineed Ee Talada Dalka

Hargeysa (Haatuf): Dood-siyaasadeed kulul oo lagaga hadlayay doorka haweenka Somaliland ku leeyahay talada hogaaminta Siyaasadda dalka, iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen tartanka doorashooyinka dalka ka dhici doona, ayaa habeenkii Khamiista ee 28 August, 2002 lagu qabtay Ming Sing Restaurant ee magaalada Hargeysa.

Dooddaas oo ay soo qabanqaabisay Gaboodka Haweenka ee NAGAAD, waxaa ka qaybgalay aqoonyahano, siyaasiyiin, wasiiro, Mudanayaal Baarlamaanka Somaliland ka tirsan iyo xubno ka mid ah ururada Siyaasadda dalka, iyo marti-sharaf kale. Waxaa lagu lafo-guray dhowr qodob oo ay ka mid yihiin doorka waxqabad ee haweenku ku leeyahay bulshada dhexdeeda iyo dayaca ka muuqda bulsho-weynta dumarka, iyo weliba baahida loo qabo in haweenku ka qayb-galaan tartanka doorashooyinka, iyo ka qayb-galka xisbiyada Siyaasadda.

Haweenka ka qayb-qaatay dood-siyaasadeedkaa, ayaa si qoto dheer uga hadlay kaalinta waxqabad ee ay ka geystaan dhismaha iyo horumarinta dalka, iyo ee raggu uga sed-bursaddo markay timaado go’aan ka gaadhida arrimaha Siyaasadda, dhaqaalaha, caafimaadka Waxbarashada iyo dhammaanba Masiirka iyo talada dalka. Tabashada haweenku ka muujiyeen doodda, ayay garowsadeen inta badan ka qayb-galayaashii, waxay keentay in ay dejiso xarraarada xubno haweenka ka tirsan oo dood kulul oo cabasho ah ku muujiyay tabashadooda. Inkasta oo jawiga dooddu uu inta badan deganaa, haddana waxaa marar badan ka dhex muuqatay xamaasad kulul, gaar ahaan qaybtii dambe ee doodda oo ay isku haleeleen xubno ka tirsan ururada Siyaasadda dalka.

Marka laga tego Ajandaha bud-dhigga u ahaa, dood siyaasadeedka haweenka oo aan si weyn loogu kala durugsanayn dhinaca fikradaha, waxaa madasha dood adag ka dhex dhaliyay markii Mudane IsmaaciilMire oo ka socday ururka dawladda ee UDUB uu waxqabadka ururkiisa ku darsaday magacaabida xilka wasiirnimo ee Marwo Edna Aadan.

Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Bulshada, Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ugu horreynba ka hadashay kaalinta haweenku ka qaadan karaan waxqabadka shaqo ee horumarka Somaliland u baahan tahay, ayaa ka qayb-galayaashii doodda ka codsatay in dadku fikradiisa ka dhiibto, siday ugu muuqato dulucda dood-siyaasadeedka haweenku, waxayna tallooyin waydiisatay haweenka iyo dhammaan xubnihii shirkaa ka qayb-galay.

Marwo Edna, waxay ku cel-celisay kaalinta ay haweenku ka gaystaan dhismaha dalka muddadii ka horeysay barakacii ka dhashay dagaaladii dalka ka dhacay iyo gacanta ay ku leeyihiin dib-u-dhacyidii dhaawacyadii iyo burburka weli dakharadiisii sii muuqdaan. Marwo Edna, waxa kale oo ay sheegtay in ay haweenka khasab ku noqotay shaqooyinka cul-culus ee ay qabtaan, kadib markii bay tidhi; “Aanu waynay rag naga furta xilkaas oo ku filan gudashada waajibaadyada.”

“Inta badan qoysaska magaalada, waxaa u shaqeeya haweenka oo ku dedaala sidii ay carruurteeda ugu heli lahaayeen nolol maalmeedka, badhkood waxay iibiyaan khudaarta, qaadka, dahabka, caanaha, maalin oo dhanna bacad bay fadhiyaan,” ayay tidhi Marwo Edna, waxayna intaa ku dartay  oo ay tidhi; “Haddii la helo rag dalka ku fillan haweenku way iska nasan lahaayeen.”

Marwo Edna, waxay kaloo sheegtay in aanay wax garowshiiyo ah ka helin ragga Soomaalida ah oo mararka qaarkood hagardaamo iyo af-xumo u gaysta haweenka.

“Inan ragow, waxaanu idiinka marti nahay in aad naga ilaalisaan aflagaado badan oo naga soo kiin gaadha,” ayay tidhi, iyada oo abhinaysa ragga qaarkii oo ay sheegtay in ay dibin-daabyo ku hayaan.

Aamina X. Maxamuud (Aamina Milgo) oo iyana ka hadashay madashii doodda, ayaa tilmaamo ka bixisay culayska saaran haweenka oo ay ku soo baxsatay inta badan hawsha qoysku, isla markaana gacan ka geysta hawlaha lagu horumarinayo dalka. Waxa kale oo Aamina-Milgo ku doodday in aan durmarku helin oo laga qadiyay xuquuqdii shaqo ee dastuurku siiyay, isla markaana aanay ka muuqan muraayadda Siyaasadda iyo talada hogaaminta midna, Aamina oo ka hadashay dedaalka ay haween ahaan u galeen sidii ay xaqooda u dhacsan lahaayeen, waxay sheegtay in ay albaabkasta garaaceen, cid walbana ay warkooda gaadhsiiyeen, hase yeeshee raggu iskaga gudbay.

“Shirweynihii beelaha ee ugu dambeeyay ayaan u tagnay oo aanu kuraasi waydiisanay, jawaabtiina waxay noqotay kuraasida Baarlamaanka haddii la idin siiyo reerkiina iyo qolada aad u dhaxdeen midkee ku metelaysaan.” Sidaa waxaa tidhi, Aamina-milgo oo sharaxaad ka bixinaysa jawaabta shirguddoonku ka siiyay codsigii ay u gudbiyeen.

“Dumarka waxaa carqalad ku ah habka beelaha Siyaasadda, Soomaalidiina waxay ku dhisan tahay qabyaalad, dumarkuna beel ma matelaan,” ayay ku dartay Milgo.

Waxa kale oo haweenkii halkaa ka hadlay ka mid ahayd, Sacdiya Muuse oo doodeedu u badnayd doorka hogaamineed ee haweenka Somaliland iyo faa’iidada ay u leedahay ka qayb-galka hannaanka doorashooyinka xisbiyada badan, kaas oo ay ku tilmaantay habka keliya ee qofka xuquuqdiisa u damaanad qaadi kara, waxayna doodeeda ku aroorisay dhawr arrimood oo haddii doorasho dhacdo keeni kara xaqa ka maqan ee haweenku hadda tabanayaan. Sacdiya oo tilmaamo ka bixinaysa faa’iidooyinka dumarku ka helayo doorashada, waxay tidhi; “Waa muhiim inaynu doorashada ka qayb-galnaa, waayo, dalkii waynu degan nahay markaa dhib iyo dheefba waa in aynu ragga la qabnaa, waxaynu kaga baxaynaa reer hebel ma tahay.”

Marwo Sacdiya, waxay habka xisbiyada badan ku tilmaantay mid soo dhawayn kara, sidii haweenku door ugu yeellan lahaayeen go’aamada iyo talada, haddii ay tahay Siyaasadda dawladda, ama qawaaniinta golayaashu samaynayaan.

Wasiirka Waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale oo dooddaa ka qaybgalay, ayaa isagu qiray in aanay haweenku helin mudnaantii ay talada dalka ku lahaayeen, hase yeeshee wuxuu caddeeyay in aanay jirin cid xaqooda u diidani iyo sida cid waliba diyaar ugu tahay wax ka qabashada cabashadooda, hase yeeshee ay hawluhu si degdeg ah u dhaceen, hadda kadibna laga fiirsan doono.

Axmed Yuusuf Ducale oo mid ah Golaha Dhexe ee ururka dawladda ee UDUB, wuxuu haweenka ku baraarujiyay in ay dedaal dheeraad ah oo ay gunta ka soo dhiseen uu noqon karo, jidka ay ku gaadhi karaan xuquuqda ka maqan ee ay u halgamayaan.

Wasiirku, isaga oo doodiisa uga faa’iidaysanaya marxaladda cusub ee ololaha doorashooyinka, wuxuu haweenka kula taliyay in ay ka fogaadaan in si khiyaamo ah codkooda lagaga qaato, iyo in aanay ku dagmin hannaanka dhalanteedka ah ee ururadu wadaan.

“Sharaf idiin ma aha, haddii ururadu si ay codkiina u helaan ay saddex ilaa afar xubnood liisaskooda ku xawaasheeyaan,” ayuu yidhi Wasiirku. Inkasta oo Wasiirku haweenka uga digay xeelado qarsoon oo ururadu la damacsan yihiin, haddana waxaa fikrad si weyn u khilaafsan ta Wasiirka soo bandhigay Xildhiban Ismaaciil Mire oo ka tirsan ururka UDUB. Ismaaciil wuxuu sheegay in ururkiisu ka soo baxay masuuliyadii haweenka, maadaama buu yidhi ururku ku guulaystay magacaabida xilka Wasiirnimada Edna Aadan Ismaaciil oo ku adkaynaya in UDUB ka dambaysay talaabadaa magacaabista Wasiirka, wuxuu yidhi; “Haa, Edna UDUB, ayaa magacaabay, Madaxweynuhuna waa UDUB.”

Dhinaca kale Ismaaciil Mire, wuxuu tallaabada haweenku qaadeen ku tilmaamay mid degdeg ah oo turunturo dalka ku keeni karta.

Hadalkaasi dareen cadho leh ayuu ku dhaliyay dadkii madasha joogay oo isu dabamaray jawaabo ay ku durayaan sheegashada magacaabida Edna. Shukri X. Ismaaciil oo xubin ka ah guddida doorashooyinka, kana mid ahayd xubnihii jawaabta difaaca ka bixiyay hadalkii Ismaaciil Mire, waxay tidhi; “Xilka ay Edna hayso, waxay ku heshay dedaalka haweenka, degdegga aad nagu sheegtayna ma jiro oo muddo badan ayaanu sida diinka u soo soconay.”

Waxaa kale oo dadkii ka biyo diiday sheegashada magacaabida ka mid ahaa, Dr. Axmed Xaashi Oday oo ka tirsan urur-siyaasadeedka KULMIYE, wuxuuna tilmaamo ka bixiyay sida ay isu burinyaan taladii Wasiirka Waxbarashada iyo Ismaaciil Mire oo ku faanay awoodda dawladnimada. Dr. Oday wuxuu qiray in Marwo Edna tahay, qof aqoon iyo karti badan, una qalanta xilka loo dhiibay, wuxuuna yidhi Dr. Oday; “Maaha in qofka awoodiisa meel la saaro. Waayo, Edna markii ay ka shaqayn jirtay WHO, UDUB-na ma jirin, KULMIYE-na ma jirin.”

Dr. Oday, wuxuu xaq-darro ku tilmaamay sheegashada UDUB ee awoodda dawliga ah oo aanu xaq u lahayn.

Cali Xasan Sheekhdoon oo ka mid ah Golaha Dhexe ee ururka ASAD oo halkaa ka hadlay, ayaa wax laga xishoodo ku macneeyay dhawaaqa ka soo yeedhay ninka metelayay ururka dawladda, wuxuuna ku tilmaamay mid caado u ah ururka marka fagaarayaasha hadalka lagu kulmo.

“Waa nasiib-darro in ururka UDUB, meelkasta oo lagu kulmo uu ka bilaabo olole beer-laxawsi ah oo aan khusayn ujeedada shirka lagaga hadlayo.” Sidaa waxa yidhi, Mr. Sheekhdoon.

Cali Xasan Sheekhdoon, wuxuu ka hadlay doorka haweenku ku leeyihiin waxqabadka iyo horumarka dalka iyo sida la isaga gees maray xaqa ay mudan yihiin. Waxa kale oo uu qiray in haweenka lagaga baxay, ballanqaadyo badan oo loo sameeyay.

Hannaanka Doorashooyinka, Ololaha

Ururada Iyo Xog-La’aanta Dadka Reer Togdheer

Burco (Haatuf): Ololaha doorashooyinka ee D/Hoose ee dhawaan ka dhici doona dalka Somaliland, ayaa ah mid aan dadweynaha reer Burco aanay ogeyn marka aad kala sheekaysato qaybo ka mid ah bulshada.

“Hooyo, Ololahoodana garan maayo iyo doorashadooda toonee, haddaan la baro-kacaynin waxay doonayaan ha doortaan.” Sidaa waxa tidhi, hooyo Cibaado Ciise oo ah 73-jir. Masuuliyiinta sar-sare ee xisbiyada, ayaa u haysta in ay taageero weyn ama kalsooni ballaadhan ka haystaan dadweynaha, marka ay arkaan sida weyn ee loogu soo dhaweeyo magaalada, soo dhaweyntaas oo ay ka qayb-galaan baabuur aad u tiro badani.

“Malaha baabuur ay taageerayaashu wataan bay na moodayaan, Anagu tagsii-layaal baanu nahay mid kasta ama Xisbi walba waanu ka kiraynaa oo waxay na siiyaan 20 litir oo shiidaal ah, xoogeey lacag ah iyo qaadba.” Sidaa waxa yidhi Haarruun Bire oo tagsiile ah; dhammaan xisbiyadu waxay magaalada ku leeyihiin xafiisyo, xisbiyada qaar leh baa dhawr xafiis oo ay garabyada bulshada ugu talo galeen, sida kuwa haweenka marka aad gasho xafiisyadaa, qaar waxaad ku arkaysaa in la geliyay lacag aad u tiro badan, waxana dhexyaalla qalabkii xafiisyada.

Dadka Gobolka Togdheer 80%, waxay xaq u leeyihiin iyo waxa aanay xaq u lahayn marka laga hadlayo doorashada ma kala garanayaan, markaa dawladda, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinkaba, waxa haboon in ay wacyi-gelin sameeyan oo ay dadka u sheegaan qaabka ay doorashadu u dhacayso.

“Anigu iminka Xisbi ayaan taageersanahay, kas oo aan taageeray sida kooxaha ciyaartoyda loo taageero.” Sidaa waxa yidhi, C/lahi Cumar (Haash), inta badan xisbiyadu waxa ay sameeyaan ballan-qaadyo ay dadweynaha u sheegaan in haddii ay doorashada ku guuleystaan ay waxaas u qaban doonaan.

“Anigu inta ay wax noo ballanqaadayaan, waxaanu dooranaynaa xisbigii iminka Burco u sameeya Radio FM ah, ama waxqabad kale oo muuqda, markaas ayaanu dooranaynaa, taageero dhab ahna aanu siinaynaa.” Sidaas waxa yidhi, Maxamed Saalax Shire (Suuniyo).

“Marka ugu horreysa, anagu waxaanu nahay bahda ugu ballaadhan Somaliland, xisbiyadana waxa haysta baahi aad u badan oo daddeed, ilaa imikana cid ay kasbadeen ma jirto, anagu haddaanu nahay bahda Isboortiska, waxaanu codkayaga siinayna xisbigii iminka wax qabanaya ee aan biriishka nagu dhaafayn.” Sidaas waxa qaba Liibaan Maxamuud X. Yuusuf oo ka tirsan guddiga Isboortiska Gobolka.

“Doorasho anigu ma qabo in ay dhacayso, waayo, cid ilaa hadda tiro-koob samaysay ma jirto, yaa muwaadin ah, yaanse muwaadin ahayn. Cabasho ayaa jirta laga cabanayo xisbiga UDUB inuu hantidii ummadda ku takri falayo, cabsi ayaa jirta ah in UDUB ay ku shubanayso codka, astaamo muuqdaana way jiraan, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in la helo wax u dhexeeya UDUB iyo dawladda oo la aamini karo.” Sidaa waxa yidhi, Saleebaan Cali Khayre.

Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan marka laysku soo ururiyo aragtiyaha dadka, waxaa si weyn u muuqanaysa sida aanay dadku xog badan ugu lahayn hannaanka axsaabta iyo doorashooyinka.

Fal Dhimasho Iyo Dhaawac

Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Sool

Burco (Haatuf):- Hal nin ayaa dhintay, saddex qof oo kalena waxa gaadhay dhaawacyo halis ah, kadib markii ay koox dabley ahi shalay hadh-soo-korkii tacshiirad rasaas ah huwiyeen Iska-rogo ah oo 6-Ton ah, oo marayay meel u dhaxaysa tuulooyinka Yagoori iyo Adhi-cadays oo ka tirsan gobolka Sool.

Nin lagu magacaabo Siciid Cabdi Maxamuud oo ku sugan magaalada Laascaanood, ayaa u sheegay weriyahayaga gobolka Togdheer, oo khadka telefoonka kula xidhiidhay, in baabuurkaas ooka baxay magaalada Laascaanood, una socday meel uu ku soo qaadayay dhuxul, ay koox dabley ah oo shufto ahi dhexda u gashay, isla markaana ay tacshiirad rasaas ah ku fureen gaadhigaas oo marayay meel u dhaxaysa Yagoori iyo Adhi-caddeeye oo bari ka xiga magaalada Laascaanood.

Siduu warku sheegay, halkaas, waxaa ku naf waayay hal nin oo ka tirasnaa dad gaadhigaa saarnaa, saddex kale oo mid haweenay tahayna waxa gaadhay dhaawacyo culus.

Siduu Siciid Cabdi Maxamuud khadka telefoonka ugu sheegay weriyahayaga gobolka Togdheer, kooxda dablayda ah ee falkaa geysatay, waxaa la sheegay in ay ka soo jeedaan beesha Fiqi-shini (Hawiye), kuwaas oo ay xurguf colaadeed muddaba ka dhex aloosnayd beesha Reer Cilmi (Dhulbahante).

Warku wuxuu intaa ku daray, in kooxda dablayda ahi wadatay gaadhi Toyota 4WD ah, isla markaana ay ku hubaysnaayeen qoryo Boobayaal culus iyo kuwo fududba isugu jiray.

Sida la sheegay, kooxdaasi waxay doonayeen in fal aar-goosi ah ay ku fuliyaan beesha Reer Cilmi, hase yeeshe tallaabadan ay hadda qaadeen dadka wax ku noqday gebi ahaanba kama soo jeedaan beesha reer Cilmi, ee waxa la sheegay inay ka soo jeedaan dhalasho ahaan Ardaayo kale.

Xukunka Tifaftiraha War-Jire

Si Xaqsoor Leh Ma Loo Maamulay?

Hargeysa (Haatuf): Tifaftiraha wargeyska la yidhaahdo War-jire oo ka soo baxa magaalada Hargeysa, C/raxmaan Ismaaciil Cumar ayey Hargeysa ku xukuntay afar bilood oo xadhig ah, wuxuuna hadda ku xidhan yahay xabsiga dhexe ee Hargeysa.

War-saxaafadeed uu soo saaray xeer-ilaaliyaha guud ee dawladda Somaliland, ayaa lagu sheegay inuu xadhiga weriyuhu ka dambeeyey war been-abuur ah oo uu wargeyskiisa ku qoray. Hase yeeshee xadhiga qoraaga iyo warka uu wargeysku qorayba waxa ka dhashay su’aalo dhawr ah oo dareen xambaarsan.

Marka hore bahda saxaafaddu ma soo dhowayn qaabka loo maamulay xadhiga qoraaga, laakiin taa macneheedu ma aha inaanu qoraagu wax eed lahayn ama yeellan karin, waxayse doodi ka taagan tahay dhawr arimood, laakiin aynu arinta u kala qaadno laba qaybood oo kala ah: Warka wargeysku qoray iyo xadhiga weriye C/raxmaan.

Sida uu war-saxaafadeedka xeer-ilaaliyuhu sheegay waxa tifaftiraha War-jire lagu eedeeyey war ay xeer-ilaalintu ku tilmaantay been-abuur oo wargeyskaa ku soo baxay cadadkiisii 26aad ee soo baxay Ogost 26, 2002, laakiin hadii aynu wax yar ku hakano warka wargeysku qoray waxa uu tibaaxay heshiis qarsoodi ah oo ay galeen Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale kaahin iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, heshiiskaas oo uu qoraagu ku xusay inay labada Madaxweyne ku heshiiyeen in degaamada Lug-haya ilaa Law-yacado ee xeebaha galbeedku Somaliland mustaqbalka laga jaro dhulka Somaliland, laguna daro dhulka Jabuuti, laakiin su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay wargeysku xaq ma u leeyahay inuu war noocaas ah qoro, jawaabtu waa HAA, waayo wargeysku xaq buu u leeyahay, waana waajibaadka saxaafadda inuu daah-furo ama ka faalloodo dhacdooyin wareed oo ka soo hor-baxay, balse qoraaga laftiisana waxa xaq loogu leeyahay cadaymo ku fillan wararka iyo dhacdooyinka qarsoon ee uu soo fagayo ama wax ka qorayo, cadayntaas oo noqonaysa laba mid uun ama labadaba: Dhokmantis cadaynaya waxa dhacay ama goob-joogayaal ka mara-kacaya jiritaanka arinta marka loo baahdo, hase yeeshee marka laga yimaado cadaymaha waxa kale oo dhici karta amaa dhacda inay had iyo goor soo if-baxaan warar la isla dhex maro, laakiin aanay cadayntoodu gacmaha wargeyska ama qoraaga ku jirin, taas oo kale marka ay timaado wargeyska ama qoraagu wuu ka hadli karaa ama wuu ka faalloon karaa, balse ugu yaraan laba arimood bay u baahan tahay in loo cuskado: Inuu qoraagu tibaaxda uu helay baadhis iyo dabagal ku sameeyo, ka dibna hadii uu cadaymo xaqiijinaya soo helo uu faafiyo, ta labaad-na hadii taa waayo dhinaca ama dhinacyada arinta lagu xamanayo ayuu arinta wax ka waydiin karaa, ka dibna wuu ka faalloon karaa, iyadoo ay mar walba muhim iyo lagama maarmaan tahay tabaha iyo anshaxa saxaafadeed ee uu qoraagu u cuskanayo hanaankiiisa qoraal.  Hase yeeshee marka laga yimaado arimaha wargeyska ama qoraaga xaqa loogu leeyahay waxa arin muhim ah waxyaalaha uu wargeyska ama ninka weriyaha ahi xaqa u leeyahay sharci ahaan iyo karaamo ahaan-ba, sidaa darteed waxay dad badani saluug ka muujiyeen qaabka loo maamulay xadhiga iyo xukunka qoraaga tifaftiraha ka ah War-jire.

Marka hore shakhsiyadda qaanuuniga ah ee wargeyska iyo qoraagaba xaq baa loogu yeellan karaa inay dawladda iyo cid kale oo madax banaaniba ka tirsato gef; hadii ay ka fursan waydona ku soo oogto eedda ay ka tirsanayso, laakiin ugu horayb waxa uu qoraagu xaq u leeyahay in ilaa inta ay eedda loo haystaa ku cadaanayso ee uu wuxu dembi noqonayo si hawl yar katiinad loogu boobin, ta labaad-na waxa uu xaq u leeyahay inuu helo fursad uu iskaga difaaco eedda loo haysto, lana siiyo waqti ku fillan oo uu ku gole keeni karo hadii cadaymo looga baahdo, weliba way ka sii xag jirtaa marka ay arintu ku saabsan tahay eeddo la xidhiidha dhacdooyin wareed waayo waxay u baahan tahay waqti uu wargeyska ama qoraagu ku keeni karo wixii cadaymo ama marag-fur ah ee ay arintu u baahan tahay. Hase yeeshee tifaftiraha war-jire, C/raxmaan Ismaaciil waxa la qabtay makhribnimadii salaasada, isla markaana waxa xukunku ku dhacay gelinkii hore ee maalinimadii Arbacada, waxayna sheegeen warar aanu ka soo xiganay qoraaga xidhan inaanu helin haba yaraatee fursad uu isku difaaco, kuna keeno wixii dhokmantis ah ee ay arintu u baahnayd. “Xataa waxa loo diiday inuu qareen qabsado”ayuu Haatuf u sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta wargeyska War-jire. Sidaa awgeed marka la eego sida degdegga ah ee ay maxkamadda degmada Hargeysa ula gaadhay xukunka qoraaga xidhan waxay taasi u eg tahay macaamilkii maxkamadaha nabadgelyada, maxkamadahaas oo had iyo goor meesha ka saara xaq uu qofka muwaadinka ahi u leeyahay inuu helo fursad uu iskaga difaaco eedaha loo haysto ama ha lagu helo ama ha lagu waayee. Waxa kale oo, iyana jirta talaabo la tebayo, taas oo ah inay dawladdu ugu horayn sidii caadadu ahayd beeniso warka uu wargeysku qoray si loo ogaado waxa jira, taas oo u muuqatay inay ahayd talaabo ka horaysa xukunka degdegga ah ee weriyaha.

Arinta ee, iyana xusidda mudani waxay tahay guud ahaan iyo gaar ahaan-ba saxaafadda dunidu waxay leedahay guurti saxaafadeed oo ka arimisa eedaha iyo cabashooyinka laga tirsado ninka suxufiga ah, taas oo ay Guurtida saxaafaddu hoosta ka xariiqdo wixii gef ah iyo wixii anshax xumo saxaafadeed ah ee ninka qoraaga ahi galo, iyadoo dhinaca kalena ay Guurtida saxaafaddu cadayso hadii aanu meesha wax gef ah iyo wax anshax xumo ahi jirin, sidaana ku qancisa cidda eedda tirsanaysa, waxayna caadada dunida saxaafaddu tahay in wargeyskii gef ama anshax xumo lagu helo la ganaaxo.

Calaakuli-xaal, xukunka ay maxkamadda degmada Hargeysa la tiigsatay qoraaga War-jire waxa uu u muuqdaa mid meesha ka saaray fursadii uu weriyuhu isku difaaci lahaa, ra’yul-caamkana laga qancin lahaa xaqiiqdu sida ay tahay, taas oo macneheedu yahay inay ugu yaraan dacwadda la mudeeyo mar iyo laba ama had-ba inta uu qoraaga eedda loo haystaaa ku keenayo cadaymihiisa ama ay cadaanayso inaanu wax cadayn ah hayn, waxayna sheekadu u baahan tahay in dib loogu noqdo, racfaanna laga ogolaado si aanay aragtidu o noqon cabudhin lagu samaynayo xoriyadda saxaafadda, iyadoo dhinaca kalena ay waajib ku tahay suxufiyiinta iyo beesha saxaafadda inay wadar iyo waaxid-ba u ilaalinayaan xil-gudashada aasaasiga ah ee mihnidda saxaafadda.

Nin Somali Ah Oo Maraykanku Ka Saarayo Liiska Argagixisada

Minneapolis (Haatuf):- Maamulka Madaxweyne Bush ee dalka Maraykanka ayaa ku talojira dhowaan, in uu liiska argagixisada ka saaro magacyada dhawr nin oo Somali ah oo meherado xawaaladeed ku haysta Maraykanka, kuwaas oo xafiisyadooda dalkaas la xidhay, lacagahoodiina la xayiray. Kadib markii weerarkii September 11, 2001 ee New York iyo Washington.

Garaad Jaamac Nuur oo haysatay laanta xawaalada AMAL Express ee Minneapolis, ayaa ka mid ah dadka liiska argagixisada lagu daray ee hadda loogu bushaareeyay in magaciisa laga saaray liiska argagixisada caalamiga ah.

Hay’adda baadhista ee Federaalka Maraykanka (FBI), ayaa qabsatay xafiiskii xawaaladda AMAL ee Mr. Garaad, bishii November. Kadibna waxay ku soo saartay kooxo looga shakisan Yahay inay caawiyaan shebekadda Al-qaacida ee Osama bin Laden, waxaana ay hantida Garaad ka mid tahay shan xawaaladood oo Minnesota ka shaqaynayay oo hantidooda la xayiray.

Hase yeeshee, waaxda kharashaadka ee dawlada Maraykanka ayaa toddobaadkan daboolka ka qaaday, inay liiska argagixisada ka saarayaan saddex nin iyo saddexdooda meheradood, kadib markii FBI-du wax caddaymo ah ku weyday eedihii loo haystay ee ahaa in ay xawaaladahooda lacagtu u marto shebekadda Usama bin Laden, lana ogaaday inaanay xidhiidh la lahayn.

Wakiilka AMAL Express, ayaa ku tilmaamay warka ku saabsan qorshaha Madaxweyne Bush ee magaciisa lagaga saarayo liiska argagixisada, sida uu qoray wargeyska Star Tribune: “Aad baan ugu faraxsanahay in magacayga laga saaro liiskaasi,” ayuu yidhi Garaad oo telefishanka lagu waraystay. Waxaana uu sheegay, in uu eeddaas beri ka ahaa, FBI-da gacan ka siiyay baadhista.

“Waxan la shaqeeyay, wax kasta oo ay dawladdu I weydiisana waan yeelay. Iminkana waxaan dareemayaa wanaag,” ayuu yidhi.

 Waxa uu sheegay Garaad in uu rajaynayo shaqadiisii iyo noloshiisii in uu dib u soo ceshado, kadib 10 bilood oo shaqo la’aan iyo rafaad ah.

Waxa kale oo ka mid ah meheradaha iyo ashkhaasta xayiraad ka qaadista loogu bushaareeyay; Xasan Xuseen oo lahaa Barakaat Enterprises, iyo Aaran Money Wire Service, oo dhammaantood ka shaqaynayay gobolka Minnesota, halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan USA.

Eritrea Oo Siidaysay

Maxaabiistii Ay Itoobiya Ka Haysay

Addis Ababa (W.Wararka) – Dalka Eritrea, ayaa sii daayay shalay 279 maxaabiis dagaal ah oo lagu qabtay dagaal laba sannadood iyo badh ka dhex socday Itoobiya iyo Eriterea, kaas oo dhammaaday bishii December, 2000.

Sii daynta maxaabiista Itoobiyaanka ah ee Eritrea, waxaa kormeerayay hay’adda Laanqayrta Cas ee adduunka taas oo raacday illaa intii ay maxaabiistaasi uga soo gudbayeen dhinaca Itoobiya Biriishka Mereb.

Dad goob-joog ahaa markii maxaabiista la soo daayay ee Itoobiyaanka ahi soo gaadheen ciidooda, ayaa sheegay in qaarkood ay u jilba-joogsadeen oo ay dhunkadeen ciidooda, qaar kalena ay kor ugu dhawaaqeen sawaxan ay farxadi ku jirto.

Warkani wuxuu intaa ku daray in colaadii dhexmartay Itoobiya iyo Eritrea, ay labada dhinac isku-darkooda ay kaga dhinteen 70,000 (toddobaatan kun) oo askari.

Maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay 1300 (kun iyo saddex boqol), oo ah maxaabiis dagaal oo Eritrea u dhashay, kuwaas oo Itoobiya hayso, ayaa la filayaa in toddobaad gudihii lagu siidaayo, sida uu sheegay Marcel Izard, oo Laanqayrta Cas ee caalamiga ah ka tirsani.

Maxaabiista Itoobiyaanka ah ee ay shalay soo deysay Eritrea, waxaa soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Itoobiya iyo hawlwadeeno caafimaadka ah, waxaana la geeyay xero nasasho oo ay Laanqayrta Casi ku leedahay Adwa oo u dhow Axum.

Dad goob-joog ahaa ayaa sheegay in xaaladdooda guud ee maxaabiista la soo daayay ay fiican tahay, iyada oo Laanqayrta Cas-na sheegtay 997, oo maxaabiis shicib Itoobiyaana iyo 937 maxaabiis dagaal ah, inay dib ugu soo celiyeen Itoobiya, hawsha ay kormeerayaan ee isu-celinta dadka iyo maxaabiista dagaal ee dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegtay, in uu ku jiro maxaabiista Itoobiyaanka ah ee Khamiistii ay soo deysay Eritrea, duuliye Itoobiyaana oo magaciisu Yahay Bezabeh Petros, oo ay qabatay Eritrea, kadibna la soo dhexmariyay dariiqyada magaalada Asmara ee caasimada Eritrea, xilligii uu dagaalku ka dhex socday labada dal.

Nita Bhalla, oo ka tirsan BBC-da, joogtana Itoobiya, ayaa sheegtay in Ilo muhiim ah ay ka soo xigatay in inta badan 1300 oo  maxaabiis dagaal oo Itoobiya ka hayso Eritrea, in aanay doonayn in  lagu celiyo Eritrea, ee ay dalbanayaan inay joogaan Itoobiya, sababtuna ay tahay hawlaha ciidamada oo la isku qasbo Eritrea iyo cabasho dhinaca Maamulka Eritrea ah oo ay ku liidato dimuqraadiyadu.

Nita Bhalla, waxay intaa ku dartay, in toddobaadyadii tegay 122 qof oo u dhashay Eritrea, isuguna jira arday iyo hawlwadeeno in ay u soo tallaabeen dhinaca Itoobiya, iyaga oo ka cabanaya xaalad siyaasadeed oo aan loo adkaysan karin in ay ka jirto Eritrea.

Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya Barakat Simon, ayaa sheegay in Itoobiya muhiimadeeda koowaad tahay, sii daynta maxaabiista dagaalka. Intaa waxa uu raaciyay wasiirka warfaafinta ee Itoobiya, in ay kala tashan doonaan guddiga Laanqayrta Cas ee adduunka maxbuuskii Eritrean ah ee doonaya inuu joogo Itoobiya.

Masuuliyiinta Jarmalka Oo Ku Eeddeeyay Nin U Dhashay Morocco Inuu Gargaaray Argagixisadii 11 September

Booliska Jarmalku waxay baadi-goobayaan 3 Nin oo lala xidhiidhinayo weerarkii 11 September

Berlin (W. Wararka): Masuuliyiinta Jarmalka, ayaa ku dhawaaqay dembiga loo haysto nin reer Marooko ah oo lala xidhiidhiyay falka weerarka lagu qaaday New York iyo Washington September 2001.

Munir Al-Mustasadaq, wuxuu ku eeddeysan yahy inuu ka mid yahay argagixisada, isagoo gargaaray dil loo geystay 3000 (saddex kun) oo qof.

Xeer-ilaaliyaha Federaalka Jarmalka, Mr. Kay Nehm, ayaa yidhi; ‘Mr. Al Mutasadaq oo isaga lagu eedaynayo inuu ka mid ahaa Kooxda Osma bin Laden ee Hamburg, waxaa la rumaysan yahay inuu caawiyay saddex ka mid ah duliyayaashii afduubay diyaaradihii 11 September duqeeyay magaalooyinka New York iyo Washington ee dalka Maraykanka in ay galaan dalka Maraykanka.”

Mr. Nehm, waxaa kale oo uu sheegay in xeer-ilaaliyayaashu ay diyaariyeen dacwadaha lagu soo oogayo saddex kale oo iyaguna ka mid ahaa Kooxda Al-Qaacida ee ka hawl-gashay magaalada Humberg ee dalka Jarmalka.

28-jirka Marooko u dhashay, waxa la Xidhay bishii November ee 2001, wuxuuna noqonayaa qofkii ugu horeeyay Yurub ee loo xukumo weerarkaas. Xeer-ilaaliyaha Federaalka Jarmalku, Mr. Kay Nehm wuxuu sheegay Munir Al-Mustasadaq uu ka mid ahaa koox dad ah oo ka yimid dalalka Carabta, soona gaadhay Humberg sannadihii 1992 – 97, waxaanu ku noollaa meel u dhow halka ay Hamberg kaga noolaayeen Marwan Al-Shahi iyo Maxamed Atta oo lagu eedeeyay in ay ka qaybqaateen weerarkii 11 September.

Al Shahi, waxaa la rumaysan yahay inuu ka duulay mid ka mid ah labadii diyaaradood ee lagu duqeeyay fooqyada mataanaha loo yaqaanay ee Xaruntii Ganacsiga addunka ee New York.

Warkan saraakiisha Jarmalku, wuxuu intaa ku daray in Kooxda Hamburg ee Al-Qaacida ay u duuleen Afgaanistaan, si ay u soo jaangooyaan qorshihii iyo hawlgalkii weerarka, iyadoo ninka u dhashay Marooko lagu siiyay tababarka magaalada Qandahaar ee dalka Afgaanistaan.

Munir Al Mutasadaq, waxay xeer-ilaalinta Jarmalku ku eeddaynaysaa in uu saddex (3) ka mid ah duuliyayaashii fuliyay falkii 11 September uu u sameeyay (Account) xisaab Baan oo uu uga furay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo lagu maal-galiyay casharadii wadista diyaaradaha ee ay ragaasi ku barteen duulinta diyaaradaha iyo kharashkooda kale ee nolosha.

Baadhista Kooxda Al-Qaacida ee magaalada Hamburg ee Jarmalku, waxaa kale oo ay keentay in la baadho kooxaha Islaamiga ah ee ka jira dalalka Talyaaniga, Spain, Faransiiska iyo Britain.

Maraykanka Oo Sheegay In Aanu Daynayn Sadaam Xuseen Haddii Uu Ogolaado Baadhayaasha Hubka Iyo Haddii Kaleba

Washington (W. Wararka): La-taliyaha Sare ee Xoghayaha Gaashaandhigga ee Maraykanka Donald Rumsfed, ayaa cannaantay ka soo horjeedka weerar milateri oo lagu qaado Sadaam Xuseen.

Ken Adelman oo ah Ku-xigeenkii hore ee Agaasimaha Guddiga Nabadgelyada Qaranka, ayaa u sheegay BBC-da inuu rumaysan yahay in ay la safan doonaan Maraykanka xulufadiisu weerar kasta oo uu hogaaminayo Maraykanku.

Sarkaalkaas Maraykanka ah oo ka jawaabayay hadalo hore uu u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga oo sheegay in uu u baqanayo haddii la weeraro Ciraaq, sidii ay noqon lahayd deganaanshaha dambe. Ingiriiska ayaa isagu sheegay in Ciraaq uu ku cadaadin doono in ay ogolaato baadhistii hubka halista ah ee dalkeedu, qaraarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, laakiin Ingiriisku muu sheegan waxa laga yeelayo Ciraaq, haddii ay diido in ay ogolaato baadhista hubka halista ah in dalkeedu dib loogu celiyo kooxihii baadhayay.

Sarkaal ka tirsan Guriga Cad ee Maraykanka oo codsaday in aan la xusin magaciisa, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in ay dawladda Maraykanku ku dhaqaaqi doono Qorshaha ay xukunka kaga tuurayso Sadaam Xuseen, haddii ay Ciraaq ogolaato kooxaha baadhista hubka halista ah iyo haddii ay u diiddaba I nay galaan dalkeedu.

Madaxweynaha Faransiiska Oo Diiday Weerar Lagu Qaado Ciraaq

Madaxweynaha Faransiiska, Jacques Chirac, ayaa diiday weerar uu Maraykanku keligii go’aansado oo lagu qaado Ciraaq.

Mr. Chirac, wuxuu sheegay in go’aanka Q. Midoobay ay go’aamiso oo keliya lagu qaadi karo tallaabo militeri.

Madaxweynaha Faransiisku wuxuu aragtidiisa ku saabsan weerar ciidan oo lagu qaado Ciraaq, uu ka sheegay kulan ay Diblomaasiyiinta Faransiisku isugu yimaadeen oo lagaga wada-hadlay iskaashiga nabadda, iyada oo la ixtiraamayo sharciga iyo iyo amarka Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Faransiiska, waxaa kale oo hadalkiisii ka mid ahaa; “Waxaanu isku dayaynaa in aanu shacbiga waafajino oo aanu ka hortagno keli tashiga iyo in xoog la isticmaalo, taas oo hadda sii badanaysa oo aanu ka werwersanahay.”

Isaga oo sii wada madaxweynaha Faransiisku hadalkii uu ka jeediyay kulanka ay yeesheen diblomaasiyiinta Faransiisku wuxuu yidhi; “Waxaanu nidhi waa in golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay tallaabooyinka laga qaadayo go’aanka ay Ciraaq ku diiday in ay oggolaato bilaa shuruud in baadhayaasha hubka ee Q. Midoobay dib u bilaabaan hawshii baadhista hubka halista ah ee Ciraaq.”

Madaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq, Taha Yasin Ramadan ayaa isagu sheegay in aan dawladdiisu oggolayn in Q. Midoobay dib uga bilowdo hawlaha baadhista hubka dalkiisa,, isaga oo Taha Yasin arrintaa sabab uga dhigay in Maraykanku leeyahay haddii ay Ciraaq oggolaato iyo haddii kale in uu sii wadi doono sidii uu xukunka uga tuuri lahaa Sadaam Xuseen, si qasab ah.

Marka dib loogu noqdo arrimaha Ciraaq, waxaa joogsaday February-1991, dagaalkii Gacanka ee xulufadu ku qaadeen Ciraaq, iyada oo shuruud laga dhigay Ciraaq baadhayaasha hubka ee Qaramada Midoobay, bishii January ee sannadkii 1998 Ciraaq waxay ku eedaysay baadhayaashii hubka halista ah ee Q. Midoobay inay yihiin basaasiin.

Bishii February 1998, Qaramada Midoobay waxay Ciraaq la gashay heshiis cusub oo ku saabsan baadhista ah ee dalkeeda.

Bishii October 1998, Ciraaq waxay diciifisay wadashaqaynta ay la lahayd Q. Midobay November 1998 baadhayaasha Q. Midoobay ee baadhista hubka ayaa ku noqday Ciraaq December 1998, baadhayaashii Q. Midoobay ee Ciraaq ayaa ka amba-baxay saldhig diyaaradeed oo uu Maraykanku ku leeyahay, iyaga oo ka tegay shaqadii ay ka hayeen Ciraaq.

July 2002, wadahadalladii Q. Midoobay iyo Ciraaq ayaa ku dhammaaday iyada oo aan lagu heshiin.

August 2002, Ciraaq waxay ku marti-qaaday magaaladeeda Baqdaad in uu yimaado madax kooxda baadhayaasha hubka halista ah ee Ciraaq u qaabilsan Q. Midoobay.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Dawladdu Waa In Ay Bixisaa Dammaanad Adag Si Dadku Baanka Ugu Kalsoonaado

Ummad kasta oo Ilaahay meel dejiyayba waxay yeelatay nidaam iyo kala dambayn. Haddaba umadadn Somaliland ku nooli waxay yeesheen xukun iyo nidaam ay kaga duwan yihiin Soomaalida deggan Koonfur.

Sidaa darteed, waxaan leeyahay, dawladnimadu waa shacabka, haddii uu wanaagsanaado shacabku isaga ayaa dawladdiisa toosinaya oo meesha qalloocan hagaajinaya.

Wuxuu shacabku dawladda uu dhistay kala shaqaynayaa dhinacyo badan sida; nabadgelyada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Nabadgelyada dawladda oo keliya xil kama saarna ilaalinteeda, ee wuxuu xil ka saaran Yahay shacbiga dhammaantii inuu ilaaliyo nabadgelyada qof kasta oo muwaadin ah. Waxaa waajib ah in uu iska daayo qabyaalada, booskeediina u geliyaa qaranimo. Ninka qaranka u shaqeeyana aan  loo arkin qabiil ee loo arko nin qaran ah oo lebisan sharaftii waddanka.

v      Qof kasta oo shacabka ka mid ahi, waa inuu ilaaliyaa qaranimada, jiritaanka waddanka Somaliland.

v      Qof kasta oo shacabka ka mid ahi, waa inuu ilaaliyaa wixii waddanka kaga baxaya sharci-darada iyo wixii soo gelayaba.

v      Qof kasta oo shacab ahi, waa inuu sheegaa wixii dhibaato u keenaya shacabka iyo qaranka Somaliland.

Dhinaca dhaqaalaha

v      Dawladdu waa inay raacdaa nidaamka dhaqaalaha suuqa xorta ah.

v      Dawladdu waa inay soo dhoweysaa, dammaanad buuxdana siisaa maalgelinta shisheeyaha ee dalka gudihiisa imanaya.

Shacabku waa inay iska daayaan xawilaadlayaasha ee ay lacagtooda ku soo xawishaan Baanka Somaliland, dawladduna waa inay bixisaa dammaanad adag, si dadku ugu kalsoonaado.

Haddii umadda ku nool Somaliland ay wax ku shubtaan Baanka Somaliland, wuxuu heli faa’iido aad u badan, waxaana inoo qabsoomi hawlo aad u badan oo aan hadda qabsan kari la’nahay.

Midda kale, dawladda waxaan leeyahay, hawsha ballaadhan ee aad haysaan Rabbi ha idinla garabgalo, curyaaminta Somaliland-na mar u soo jeesta sidii aad wax ugu qaban lahaydeen.

Cali Abiib Axmed. Boorama.

C/Qaasim Ma Islaantii Rubaabi Baa?

Maalmahan dhowaa, waxaa si is-daba joog ah warbaahinta caalamiga ah ee BBC-da looga maqlayay ninka madaxda ka ah kooxdii Carta ee isku sheega madaxweynaha Somaliya.

Haddaba, hadallada C/qaasim waxay muujinayeen dhawr arrimood oo ay k amid yihiin;

-          Quus

Quustaas oo uu ka joogo riyadii uu isku qufulay ee ahayd in caalamku u gees iyo gafuurayn doono dadka ku nool dhulkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Somaliya, iyada oo ay ku taageeri doonto Jabuuti.

-          Inuu Yahay arday si fiican uga soo aflaxay madarasaddii Digtaytorkii Siyaad Barre. C/qaasim wuxuu ku celcelinayay in uu wax badan qaban lahaa haddii dawlado aanu magacaabin aanay dabada haynin, oo aanay curyaamin tallaabooyinka uu qaado, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay siiyaan kuwa ka soo horjeeda hub, saanad iyo xataa ciidamo. Waxa kale oo uu ku eedeeyay beesha caalamka inay ku taageeri waayeen ciidamo u muquuniya kooxaha ka soo horjeeda iyo lacag badan oo uu dadka ku iibsado.

Haddaba C/qaasim isaga oo dalka Soomaaliya tegay wakhti dadka ku nooli ay ka daaleen dagaalka oo uu dhammaaday kii Baydhabo, oo gobollada w/bari dhisteen maamul oo Muqdisho loo jeestay xoogsi oo nin waliba iskii dawlad u noqday, taas oo runtii aan ahayn wax wanaagsan oo ummad xilligan joogtaa ay ku dhaqanto. Hase yeeshee, xaaladdaasi waxay aad uga fiicnayd marxalado ka horreeyay oo goob kasta oo koonfurta ah dagaal ka oognaa. Haddaba C/qaasim oo maalintii bisha August ahayd 26, 2002, u warramayay Idaacadda BBC-da, wuxuuna yidhi; Soomaalidu way is dhexmartaa oo kala baayac-mushtartaa, min Saylac ilaa Raas-kaamboni, oo raashinka Berbera ka yimaada ayaa lagu cunaa Koonfur halka u dambaysa.

C/qaasim miyaanu ogayn in raashinka uu sheegay uu ka yimaado Brazil.

Waxaa kale oo isweydiin leh, isdhexmarka uu sheegay ma isaga ayaa keenay? Miyaanuse ahayn shirkii Carta kahor kii ku soo noqnoqon jiray Somaliland, isaga oo raadinaya arrin iyo adduunka uu ka helay madaxweynihii geeriyooday Alle ha u naxariistee, sida ilo xog-ogaal ahi sheegeen ee dhex mushaaxi jiray. Maanatana miyaanu ahayn ka mas’uulka ka ah dhibaatada ka taagan Puntland, Baydhabo iyo Xamarba, taas oo ka dhalatay hebel kuma oggola ee hebel kale u samee, oo ku garaaca.

Guntii iyo gebogebadii, hadalladan C/qaasim waxay muujinayaan sida uu ugu dheggen Yahay dhaqankii digtaatooriyadda ee ay astaanta u ahayd: Dilka, duudsiga iyo dafiraaddu.

Waxayna natijadiisu noqon doontaa sii kala fogaynta dadka ku nool Somaliya iyo Somaliland, oo aanay ka hadhin xusuustii dhibaatadii ay ka muteen taliskii Siyaad Barre, ee C/qaasim hormoodadiisa ka mid ahaa.

C/qaasim wuxuu kadhigan Yahay Islaan la odhan jiray Rubaabi oo Berbera ku noolaan jirtay, kuna caan ahayd in ay sheegato wax kasta oo ay aragto, odhana jirtay “Haddaa xaqanaa, maraakiib xaqanaa, haadihii daar-xaqanaa.”

Markaa hayska yidhaahdo Berbera xaqanaa, Saylac xaqanaa iwm.

X.M.Cismaan, Berbera.