Haatuf,  Cadadki 151, Sep.3, 2002

Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Shaqaynayso Sharciyadda Ururka SAHAN

 

Harg (Haatuf):- Guddiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta siyaasiga ah, ayaa shaaca ka qaaday in sharciyan uu urur-siyaasadeedka SAHAN Yahay mid weli jira oo guddigu aqoonsan Yahay, isla markaana ay sharci yihiin hawlgallada siyaasadda ee ururka iyo jiritaanka xafiisyadiisa gobollada oo dhami, inta laga gaadhayo qiimaynta kama-dambaysta ah ee guddigu ka soo saarayso ururada. Sidaana waxa lagu caddeeyay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray Guddoomiyaha Guddiga diiwaangelinta Maxamed Jaamac Boodhle.

Guddiga diiwaangelintu wuxuu war-saxaafadeedkiisaa ku xusay arrimo ku saabsan khilaaf ka dhex dillaacay ururkaas, oo beryahan dambe warbaahintu qaadaa-dhigaysay iyo Sharciyada jiritaanka ururkaas. War-saxaafadeedku wuxuu u dhignaa sidan;

“Guddiga Diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta Axsaabtu, iyada oo tixraacaysa qoraalo ka soo gaadhay hoggaanka urur-siyaasadeedka SAHAN, oo muujinaya kala qaybsanaan ku timi xubnaha ururka (Hoggaanka) iyo muran ka soo if-baxay socodsiinta muddadii hawlgalka loo siiyay dhammaan ururada siyaasadda, taas oo ilaa bishii aynu soo dhaafnayba lagala socday warbaahinta dalka. Iyada oo arrimahan la xidhiidhaan dhismaha iyo hawlaha ururka SAHAN dhexdiisa ay gaadhay in loo gudbiyo ama ay wax ka yidhaahdaan hay’ado kale oo dawli ah, taas oo sida sharciga u yaala nidaamka iyo Maamulka ururada/Axsaabta siyaasadeed uu dhigayo in ay u xil-saaran tahay hawshaas G/Diiwaangelinta iyo ansixinta Axsaabta qaranka.

Haddaba, waxay guddigu xusuusinaysaa hay’adaha dawliga ah, in ay ixtiraamaan hawsha guddiga. Guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhinacyada hoggaanka ururka SAHAN arrimahan soo socda.

1.       Ururka SAHAN oo ka mid ah sagaalka urur-siyaasadeed ee sharciyan uga diiwaangashan dalka Somaliland. Guddiga diiwaangelintana ay gebogebo ku dhawdahay qiimayntii kama dambaysata ahayd ee ay ku shaandhaynaysay dhammaan ururada siyaasadda, in uu sharci Yahay hawlgalka siyaasadeed iyo jiritaanka xafiisyadiisa dhaammaan dalka Somaliland…, inta laga gaadhayo qiimaynta rasmiga ah ee ay guddigu ka soo saarayaan dhammaan ururada diiwaangashan.

2.       In iyadoo laga duulayo xeerka iyo nidaamka u yaala Maamulka ururada siyaasiga ah, ay shaqada Guddigu tahay ku ilaalinta iyo go’aan ka gaadhista dastuurka, xeerarka guud ee heer qaran iyo shuruucda, dhismaha iyo xeerarka gaarka ah ee ay ururadu dhigtaan, sidaas awgeed muranka ka taagan qaab-dhismeedka guud, ka maamul iyo ku dhaqanka xeerarkooda gaarka ah, waxay Guddiga diiwaangelintu gudo-gelaysaa marka ay Guddigu ka soo hoydaan hawshooda kormeer ee ay ku marayaan gobollada dalka.

3.       ururka SAHAN oo ay Guddigu siisay shahaadada ku meel-gaadhka ah ee uu sharciyan ugu hawlgeli karo, 25th Dec-2001 ilaa hadda waxa uu si ururnimo ugu taagan Yahay sharciyada ku qeexan xeer, Lr.14/2000, taas oo urur ahaan xaq u siinaysa in uu wadan karo hawlgalkiisa siyaasadeed mar-labaad, iyada oo eegaysa Guddigu nuxurka qoraaladii la xidhiidhay amaan-darro uu keeni karo muranka ururka SAHAN, waxay Guddigu ku wargelinaysaa hay’adaha ammaanka inay la socdaan wixii keeni kara ammaan-daro, waxna aan u dhimayn socodsiinta hawl-maalmeedka ururka inta laga gaadhayo go’aan muranka u dhaxeeya hoggaanka ururka oo ah marka ay guddigu isu timaado.”

Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi (Guddoomiyaha Ururka HORMOOD)

 
 Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka HORMOOD

Iyo Shakhsiyadiisa Siyaasadeed

“Aragtidii aanu markii u horreysay ku bahownay waxay ahayd la-dagaalanka dawlad xun, ilaa maantana taa waa ka midaysannahay”

Maxamed X. Maxamuud

 

Hargeysa (Haatuf): “Aragtidii aanu markii u horaysay ku bahownay waxay ahayd la dagaalanka dawlad xun, ilaa maantana aragtidaasi way naga dhexaysaa”sidaa waxa yidhi gudoomiyaha urur-siyaasadeedka HORMOOD, Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi oo aanu waraysi dheer oo dhinacyo badan leh kala yeelanay waayaha siyaasadeed ee ururkiisa iyo sida uu u arko marxaladda ay waqtigan xaadirka ah marayso Somaliland iyo sidoo kale faaqidaad ku saabsan shakhsiyadiisa siyaasadeed, iyadoo ay tani ka mid tahay mawduuc uu wargeyska Haatuf ku faaqidayo wiilasha waqtigan xaadirka ah baarka u soo feedhay laacdanka siyaasadda hogaaminta Somaliland.

Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi sannadkii 1959-kii ayuu iskuulka ka galay magaalada Hargeysa, wuxuuna ilaa 1965-kii waxbarashada Dugsiyada H/dhexe ku qaatay magaalada Hargeysa, laakiin 65-kii—69-kii ayuu aqoonta dugsiga sare ku qaatay dugsiga sare ee Sheekh, intaa ka dibna sannadkii 1970-kii ayuu deeq waxbarasho (Shoolar-ship) u tegey dalka Britain, halkaas oo uu ku biiray jaamacadaha dalka Britain, isaga oo digriigiisii koowaad ee jaamacadda ku qaatay dhaqaalaha iyo xisaabaadka, halka uu digriigiisii labaadna ku qaatay takhasus ku saabsan dhaqaalaha dalalka soo koraya, taas oo uu ugu dambayntiisiina sannadkii 1977-kii ka soo qalin jebiyey jaamacadda la yidhaahdo London University, mudadaa ka dibna waxa uu dalka Britain uga kicitimay dalalka Carabta oo uu ku sugnaa intii u dhexaysay 1977-kii—1979-kii, isaga oo mudadii uu dalalka Carabta joogey shaqooyin kala duwan ka qabtay, sida Baanka la yidhaahdo Baanka horumarinta islaamka oo uu muddo ka shaqeeyey iyo meelo kale.

Hase yeeshee sannadkii 1979-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay, laakiin, isaga oo tilmaamaya waxa ku talaabsaday markii ugu horaysay ee uu dalka ku soo laabtay, gaar ahaan magaalada Hargeysa waxa uu yidhi “Shirkad dhismaha ah ayaanu abuurnay aniga iyo ninka la yidhaahdo Maxamed Cali Caateeye”, laakiin Maxamed X. Maxamuud niman mutacalimiin ah oo uu ka mid yahay ayaa sannadkii 1980-kii sameeyey urur la magac baxay UFO, ururkaas oo ay dhalinyaradii samaysay ku tilmaameen inuu yahay urur Samafal waxa uu ku talaabsaday dhaqdhaqaaqyo uu wax kaga qabanayo adeedyada aasaasiga ah ee bulshada, sida, Dugsiyada, cusbataalada IWM. Laakiin dawladdii Siyaad Barre ee waqtigaa dalka ka talinaysay raali kama ay noqon jiritaankii iyo dhaqdhaqaaqii uu ururkaasi ku talaabsaday, sidaa darteed nimankii dhalinyarada ahaa ku bahoobay UFO waxa markiiba loo taxaabay xabsiga, waxaana la qabqabtay bishii Nofembar 1981-kii, ka dibna waxa lagu riday xabsigii la odhan jirey labaatan-jirow oo ku yaalay duleedka Muqdisho, halkaas oo ay Maxamed X. Maxamuud iyo ragiisii kale ee UFO ku jireen ilaa 1989-kii. Laakiin ragii UFO markii xabsiga laga soo daayey waxay intoodii badnayd oo uu Maxamed ka yahay u talaabeen dalka Itoobiya oo xiligaa fadhiisin u ahayd xoogagii ururka SNM ee dagaalka hubaysan kula jirey dawladdii Siyaad Barre. Hase yeeshee raggii UFO markii ay Itoobiya tageen waxay u xuubsiibteen urur kale oo la odhan jirey SORRA, ururkaas oo markii u horaysay Itoobiya ka samaysmay, isla markaana hawlo samafal ka bilaabay qaxootiyadii Reer-Somaliland ee bariga Itoobiya deganaa, waxa uu markii dambena hawlihiisii samafal ka sii waday Somaliland, jiritaankiisuna wuu soo dhowaaday, laakiin wixii ka dambeeyey badhtamihii sagaashanaadkii ururkaasi wuu hawl gabay, mana  jiro hadda.

Dhinaca kale Maxamed X. Maxamuud waxa uu sannadihii u dambeeyey lugta kula jirey hawlo ganacsi, isaga oo ka mid ah saamilayda shirkadda isgaadhsiinta STC, laakiin marka STC laga yimaado waxa kale oo uu ku lug leeyahay meelo ganacsi. Hase yeeshee daba yaqaadii sannadkii 2001 ayey Maxamed X. Maxamuud iyo rag kale abuureen urur-siyaasadeedka la yidhaahdo HORMOOD oo lagu tilmaamo inuu yahay urur ka soo xuubsiibtay UFO ama SORRA, iyadoo uu ururka HORMOOD gudoomiye ka dhigtay Maxamed X. Maxamuud, kaas oo uu ilaa hadda gudoomiye ka yahay.

Weriye A.Ducaale oo Haatuf ka tirsan ayey gudoomiyaha HORMOOD, Maxamed X. Maxamuud jil-baha isdareen waraysi ay isku dhaafsadeen dood dhinacyo badan leh, laakiin ugu horayn Maxamed, isaga oo ka jawaabaya waqtigii ugu horaysay ee uu dareenka siyaasaddu ku dhashay waxa uu yidhi “Horta nolosha marna siyaasadi kama madhna, masalan sannadkii 1974-kii anigu waxaan ahaa madaxa ardaydii Soomaaliyeed ee Ingiriiska joogtay, markaas ayeyna ahayd markii u horaysay ee aan galo wax siyaasad u eg, waxaanuna qori jirey joornaalo ka hadla nidaamkii shuuciyadda ahaa ee dalka lagu soo rogay iyo dhibaatooyinkii kale ee dalka ka jirey”. Hase yeeshee marka taa laga yimaado Maxamed X. Maxamuud waxa la odhan karaa wuxuu xadaafiirta siyaasadda si wanaagsan lugta ula galay horaantii sideetameeyadii, waqtigaas oo ahayd markii ay isaga rag kale abuureen UFO, ururkaas oo ay dadka qaar iswaydiiyaan ma urur samafal buu ahaa, mise urur-siyaasadeed, laakiin Maxamed, isaga oo tilmaamaya ujeedadii ururkaa wuxuu yidhi “Ujeedada runta ah ee aanu ururkaa u samaynay waxay ahayd in la bedelo nidaamkii jirey, laakiin waxaanu ka bilownay in ummadda lagu baraarujiyo inuu nidaamka jiraa yahay mid aan waxba u qabanayn oo la dagaalamaya horumarkooda”.

Ururkii UFO waxa uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo samafal oo la xidhiidha adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada IWM. Laakiin taa wax baa u weheliyey. “Waxaanu qaban jirney shirar qarsoodi ah oo aanu la yeelan jirey dadka waaweyn ee wax garadka ah, sida ganacsatada, culimada iyo hogaamiyayaasha muhimka ah ee bulshada”ayuu yidhi Maxamed X. Maxamuud, laakiin dhaqdhaqaaqii UFO ma sii shaqayn, waxaana markiiba dareen sas leh ku ursaday maamulayaashii dawladdii Siyaad Barre, taasina waxay keentay in markiiba xadhig lala tiigsado dhalinyaradii UFO, sidaa awgeed Maxamed iyo ragiisii kale ee UFO saq-dhexe ayaa mid walba gurigiisa lagala baxay. “Nin walba gurigiisa ayaa laga qabtay, laakiin markii u horaysay waxa naloogu hor qabtay Maxamed Baaruud iyo ninka la yidhaahdo Axmed Maxamed Yuusuf (Jabane), inta kalena si xidhiidh ah ayaa loo qabqabtay, tusaale ahaan aniga saddexdii habeenimo ayaa gurigayga layga qabtay”ayuu yidhi Maxamed, isaga oo ka waramaya sidii loo qabqabtay wiilashii UFO.

Inamadii UFO horaantii sannadkii 1981-kii ayaa la taagay maxkamaddii bad-baadada ee taliskii Siyaad Barre, iyaga oo ku eedaysan inay sameeyeen urur qaran dumis ah, waxaana eedayntooda loo cuskaday qoddobadii dilalka ee xeerarkii maxkamaddaa. Hase yeeshee xadhigii UFO waxa lagala hor yimi kacdoono lagu diidan yahay, taas oo keentay inay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ka dhacaan mudaharaadyo waaweyn oo ay hor kacayaan ardaydii iyo macalimiintii labadaa magaalo, iyadoo uu kacdoonkaasi ahaa kii u horeeyey ee hadh-cad si badheedh ah loogala hor yimaado taliskii awoodda badnaa ee ay agtiisa mamnuuca ka ahayd cid juuq tidhaahdaa, sidaa darteed maamulayaashii iyo saraakiishii milateri ee dawladdii Siyaad Barre aad bay uga cadhoodeen mudaharaadyadaa, waxayna kaga jawaabeen dabaabado iyo gawaadhi gaashaaman oo rasaastii ka dhacaysay oodda lagaga qaaday, iyadoo dhinaca kalena wixii gacanta lagu dhigay xabsi lagala ayaansaday. Hase yeeshee kacdoonkaasi wax weyn buu ka bedelay ciqaabtii dilka ahayd ee lala maaganaa wiilashii UFO, waxaase loogu bedelay xabsi adag, laakiin Maxamed X. Maxamuud oo ka waramaya xukunkii lagu riday ayaa, isaga iyoo saaxiibadiisii kale ee UFO ayaa yidhi “Maxamed Baaruud iyo Axmed Maxamed Yuusuf (Jabane) waxa lagu xukumay xabsi daa’in, qolo aan anigu ka mid ahaana waxa lagu xukumay min 30 sannadood, qaar kalena 20 sannadood, qaar kalena 8 sannadood iyo ugu hoosayn saddex sannadood”.

Dhalinyaradii UFO ee Maxamed ka mid ahaa, markii la xukumay ka dib waxa lagu guray xabsigii la odhan jirey Labaatan-jirow oo ku yaalay duleedka Muqdisho oo ahayd xaruntii dawladdii Siyaad Barre, halkaas oo ay beerka u jiifeen inka badan 7 sannadood. “Labaatan-jirow wuxuu ahaa xabsi aad u adag, wuxuu ahaa meel madow oo kaneeco badan, qof walibana wuxuu ku jirey qol yar oo aan meel loo dhaafo lahayn, oo aan cidi kuugu imanayn, oo aadan meelna ka war hayn, wax dad ahna waxaanu arki jirey askarigii sixniga garawga ah noo soo tuuri jirey, intii aanu ku jirneyna axsaab iyo ehel noo yimi oo naloo ogolaa ma jirin”ayuu yidhi Maxamed X. Maxamuud oo ka waramaya waayihii xabsiga.

Sannadkii 1989-kii ayaa kooxdii UFO la soo daayey, waxayna intoodii badnayn oo uu Maxamed X. Maxamuud ka mid yahay u talaabeen dalka Itoobiya oo ay waqtigaa fadhiyeen xoogagii ururka SNM ee dagaalka hubaysan kula jirey taliskii Siyaad Barre, isla markaana waxa xiligaa bariga Itoobiya ku kabaal-qaadnaa boqolaal kun oo ah qaxootigii Reer-Somaliland ee ka barakacay magaalooyinka, ka dib markii ay sannadkii 1988-kii gudaha magaalooyinka iyo miyiga dagaalo kul-kulul foodda isku dareen dagaalyahankii SNM iyo ciidamadii dawladdii Siyaad Barre ee fadhiyey goboladii waqooyi ee dalkii Soomaaliya. Sidaa dartee wiilashii UFO ee xabsiga laga soo daayey waxay ku biireen dhaqdhaqaaqyadii halkaa ka socdey, waxaana hawlihii ay halkaa sida gaarka ah uga bilaabeen ka mid ahaa adeegyo samafal oo ku wajaahnaa dadkii qaxootiga ahaa ee halkaa ku noolaa, laakiin inamadii UFO markii xabsiga laga soo daayey ee ay Itoobiya tageen waxay u xuubsiibteen hayad cusub oo la magac baxday SORRA.

Wiilashii markii hore ku bahoobay ururkii UFO, markii dambena u xuubsiibtay ururkii SORRA la magac baxay, inkasta oo ay waayo-adag iyo duruufo ba’an isla soo mareen, haddana waxa waqtigan xaadirka ah lagu xantaa inay iska kala xidhiidh furteen oo aanay waxba ka dhexayn, laakiin Maxamed X. Maxamuud oo arintaa la waydiiyey inkasta oo uu qiray inay duruufuhu saamayn ku yeesheen oo aanay arintoodu ahayn sidii shishlayd waqtiyada qaar isugu duubnaayeen, haddana wuu beeniyey xanta ah inay yihiin rag aan waxba ka dhexayn, wuxuuna yidhi “Sooyaalka taariikheed ee bini’aadanku koley wuu isbed-bedelaa, ummadduna halgan adag oo dhinacyo badan leh bay soo martay, anaguna maanu ahayn wax gooniya oo ummadda ka duwan, waxaanuna qayb ka ahayn halgankii SNM, halgankii lagu jireyna markii laga gaadhay ujeedadiisii hoos buu u dhacay, sidaa awgeed hadii nala yidhaahdo halgankiinii hoos buu u dhacay ummadda ayuun baanu kala mid nahay ee ma aha wax noo gaar ah”, laakiin mar kale isaga oo xusaya xidhiidhka waqtigan ka dhexeeya ragoodii wuxuu yidhi “Runtii mar walba wuu jiraa xidhiidh naga dhexeeyaa, intayada halkan (Somaliland) joogtaana waanu isku duuban nahay, inta debedaha joogtaana way isku xidhan yihiin, qolodayada gudaha iyo qoladayada debedaha joogtaana waanu wada xidhiidh-naa goor kasta. Waxaanuna ku wada jirnaa ururka HORMOOD”ayuu yidhi, wuxuuna intaa ku daray “Somalidu waxay tidhaahdaa ninkaa jabad ma wada degteen, jidiin ma wada cunteen, jid-se ma wada marteen, anaguna waxaanu ku darnay jeel ma waa gasheen, markaa waxa naga dhexeeya wax adag, isla markaana marka laga yimaado waayihii adkaa ee aanu isla soo maray, aragtidii aanu markii u horaysay ku bahownay waxay ahayd la dagaalanka dawlad xun ilaa maantana aragtidaasi way naga dhexaysaa”.

Intaa ka dib gudoomiyaha HORMOOD, Maxamed X. Maxamuud waxa la waydiiyey su’aalo la xidhiidha sababtii ku keliftay inay urur-siyaasadeed sameeyaan iyo dantii ay ka lahaayeen, waxa kale oo su’aalaha la waydiiyey ka mid ahaa rajada uu shakhsiyan ka qabo mustaqbalka siyaasadda iyo xamilka uu u yeellan karo xadaafiirta ay mihnadda siyaasaddu leedahay, sidoo kale waxa la waydiiyey sida uu u arko marxaladda lagu jiro iyo sida ay talo ahaan ugu muuqato in lagaga bixi karo marxaladda kala guurka ee kaabiga soo saarran. Laakiin doodaha uu kaga jawaab celiyey su’aalahaa iyo weliba su’aalo kale oo xiise leh… la soco cadadka berito………….

 “Anigu Marna Kama Hadhayo Xasuuqii Ka Dhacay Somaliland”

Dr. Al-Najaar

 

Hargeysa (Haatuf): Dr. Qaanem Al-najaar oo ah khabiir madax banaan oo qaramada midoobay u qaabilsan arimaha xuquuqal-insaanka ee Somaliland iyo Somaliya ayaa sheegay inuu mar labaad ka dal-ban doono golaha amaanka qaramada midoobay ogolaansho ku saabsan sidii loo samayn lahaa guddi madax banaan oo baadhis ku sameeya xasuuqii ka dhacay Somaliland cahdigii taliskii Siyaad Barre.Dr. Al-najaar oo ay waraysi dheer la yeelatay  shabakadda wararka ee Haatuf Axadii doraad waxa uu sheegay inuu golaha amaanka hore ugu soo jeediyey in la sameeyo guddi madax banaan oo baadhis ku sameeya xasuuqii ka dhacay Somaliland, laakiin aanay taasi hirgelin weli oo aad moodo in laga cago-jiidayo.

Sannadkii ina dhaafay ayuu xoghayaha guud ee qaramada midoobay Dr. Al-najar u magacaabay khabiirka Madaxa banaan ee arimaha xuquuqda aadamaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, jagadaas oo markii hore ay haysay gabadha la yidhaahdo Muna Rashmaawi.

Dr. Al-najaar waxa uu ku nuux-nuuxsaday inay ka go’an tahay in laga daba tago wixii dhacay, wuxuuna yidhi “Xasuuq inuu Somaliland ka dhacay waxa hore uga marag furay khubaro ku takhasustay arimahaa oo yimi Somaliland sannadkii 1997-kii , aniguna ka hadhi maayo arintan foosha xun, waxaana qabaa inay tahay jariimad loo geystay bini’aadminimada”.

Khabiirkani waxa kale oo uu sheegay in Somaliland lafteeda xil ka saaran yahay sidii ay caalamka ugu qancin lahayd wax ka qabashada arintan, wuxuuna yidhi “Caalamku kolba meel buu u jeestaa, meelna wuu iska ilaawaa, shalay waxa diiradda lagu hayey xasuuqyadii ka dhacay Ruwanda iyo Bosnia, dabadeedna waxa loo jeestay Kosovo, maantana waxa isha lagu hayaa meelo kale, waqtiga dheer ee xasuuqa Somaliland ka soo wareegayna wuxuu leeyahay mushkiladiisa oo ta Kuwayt haysata oo kale, dadkii Reer-Kuwayt ee loo qafaashay  dhinaca Ciraaq muddo dhawr iyo toban sannadood ah ayaa hadda laga jooga”.

Khabiirkan mar la waydiiyey sida uu u arko xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa xuquuqda aadamaha ee Somaliland waxa uu ku jawaabay “Waxaan isla hayn sida ay Somaliland wax u qabsatay iyo duruufaha cakiran ee ka taagan mandaqadda ay ku taallo, sidaa darteed Somaliland waxay mutaysatay inay noqoto tusaale fiican oo ku dayasho leh, marka la eego sida nabadda iyo xasiloonida dalkan dib loogu dabaalay iyo sida dimoqraadiyadda ah ee distoorka waafaqsan ee loola kala wareegay madaxtinimada dawladeed ee dalkan, taas oo u dhacday nabadgelyo ah oo mandaqadda ugub ku ah”.

Dr. Al-najaar socdaalkiisani waa markii saddexaad ee uu yimaado Somaliland, isaga oo markii u horaysay ee uu yimi uu ka socday hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty international, halka uu labada goor ee kalena dalka yimi, isaga oo xilkan haya.

Dr. Al-najaar waxa uu aad u soo dhoweeyey, uguna farxay markii ay weriyaasha Haatuf ee waraysanayey u sheegeen in la sii daayey tifaftiraha wargeyska War-jire oo uu khabiirkani xadhigiisa doraad kala hadlay madaxweyne Rayaale, wuxuuna Dr. Al-najaar warka sii daynta tifaftiraha War-jire ku tilmaamay mid aanu filayn, marka loo eego buu yidhi dareenkii uu madaxweyne Rayaale arintii ay ku kala tageen.

Dr. Al-najaar waxa uu sheegay inuu akhriyey maqaalka qoraagaa lagu xidhay, taas oo uu dhaliil ka muujiyey saxaafad ahaan sidii uu u dhignaa, laakiin taasi ma aha ayuu yidhi mid wadada u banaynaysa ama xalaalaynaysa in qoraaga la iska xidho, si degdeg ahna loo xukumo. Ugu dambayna Dr. Al-najaar waxa uu dalka ka dhoofay, isaga oo booqashadiisa ku tilmaamay mid uu maqsuud ka yahay, wuxuuna sheegay in sii daynta tifaftiraha War-jire ee xidhnaa ay nadiifinayso dhigaalka (Record) ee arimaha xuquuqul-insaanka Somaliland. Sidoo kale Dr. Al-najaar intii uu socdaalkiisa bariga Afrika waxa uu ku guulaystay sii daynta shan xubnood ururada xaquuqda aadamaha oo uu dhowaan maamulka C/laahi Yuusuf ee Puntland ku xidh-xidhay magaalada Boosaaso.

“Ma Rabno Inay Somaliland Soo Dhex Gasho Dhooqada Koonfurta, Mana Jeclin .…….”

Waraysi – Gudoomiyaha SRRC – Q:2aad

 

Cadadkii shalay waxaanu idiinku soo gudbinay qaybtii hore ee waraysi uu Wariye Siciid Guraase magaalada Addis Ababa kula yeeshay Amb: C/llaahi Sh. Ismaaciil oo haatan ah Gudoomiyaha isbahaysiga SRRC. Maantana  waxaanu idiin soo gudbinaynaa qaybtii 2aad ee waraysigaasi oo uu C/llaahi Sh. Ismaaciil kaga jawaabayo su’aalo ku saabsan maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ururka SSNM iyo sida uu u arko gooni isu taagaa Somaliland waxaanu dhacay sidan:

S. Dhawaan waxa lagu dhawaaqay maamul goboleedka K/galbeed ee Soomaaliya, waxaana laguu doortay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamul goboleedkaasi Waa sidee xaaladda maamulkaasi?

J. Way jirtaa in la ii magacaabay jagada Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamul goboleedkaasi oo ka kooban lix gobol oo kala ah Bay, Bakool, Gedo, Shabeelada Hoose, Jubada dhexe, iyo Jubada Hoose. Dhismihiisana waxaanu kaga dayanay Somaliland, iyo Puntland, gobolada uu maamul goboleedku ka kooban yahayna waxaa ku nool dad badan oo isfahmay kuna heshiiyay inay wax wada qabsadaan ujeedooyinkaa ugu waaweyn ee loo dhisayna waxa ka mid ah, in la soo afjaro khilaafaadkii iyo colaadihii jiray, in la sameeyo adeegyada bulshada ee burburay, in laga hortago fadqalalaad ay Kooxda Carta wado, inuu maamul goboleedkaasi noqdo saldhig nabadeed, taasoo keentay in maamul goboleedkan la dhiso mar haddii ay muddo 12sanadood ah Xamar waxba ka suurta galin weyday in lagu dhiso maaha in la iska fadhiyo oo la sugo ee waa in la qabsadaa wixii la qabsan karayo.

S. Dhawaan dagaalo ayaa ka dhacay Caasimada maamul goboleedkaasi ee Baydhabo sidee bay dagaaladaasi wax ugu dhimeen dhismihiisa maamulkaasi?

J. Waa nasiib darro in dagaaladaasi ka dhex dhacaan Madaxda ururka RRA, waana dagaal uu shaydaan huriyay, wax weyn baanay dagaaladaasi u dhimayaan haddii aay sii socdaan dhismaha maamulkaasi iyo himiladii loo aasaasayba. Waayo? Ururka RRA waa bud-dhiga maamul goboleedkaasi ururro kale ayaana kula jira sida SPM, SSNM,SNF, waxaase bud-dhiga u ah ururka RRA markaa hadii uu isaga burbur ku yimaado waxaad garan karaysaa waxyeelada ay taasi u leedahay dhismaha maamul goboleedkaasi.

S. Hore waxaad gudoomiye ugu ahayd garab ka mid ah SSNM xagee buu ururkaasi ku danbeeyay?

J. Ururrkaasi wuxuu ahaa mid taariikh dheer leh fikrada ahaana wuxuu soo taxnaa ilaa 1964kii, markii uu halgankii socdayna waxaanu ka mid ahayn ururkii SNM, markii 1991kii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland ayaanu aasaasnay SSNM kaasoo yeeshay garabyo kala duwan kuwaasoo garab uu madax ka ahaa Cabdi Warsame Isaaq, garab uu madax ka ahaa C/Casiis Sh. Yuusuf iyo garab aan anigu madax ka ahaa kaasoo ka mid ahaa Isbahaysigii SSA, ka dib markii uu Isbahaysigaasi burburay 1998kii shirkii Qaahira ka dib garabkii aan Madaxda ka ahaa waxaanu u badalnay SSNM/BIRAM si aanu u sii wadno halgaankii aanu xuquuqdayada ku raadinaynay ururkaasoo haatan dhisan lehna garab Milatari oo hawl galo ka wada gobolada Sh/hoose, Sh/dhexe, iyo J/hoose Ciidan dhisana waanu leenahay tiradiisu intay doonto ha le’ekaatee.

S. Ilaa hadda wax hawlgalo milatari ah miyaad fuliseen?

J. Hawlgalo badan ayaanu ku talaabsanay gaar ahaana gobolka Sh/hoose taasaa keentay qaylada ka soo yeedhaysa Kooxda Carta iyadoo dagaalka aanu wadno ku eedaysay cid kale gaar ahaana dalalka dariska ah, qayladaa kuwa ka keenay ayaanu ka mid nahay.

S. Wax taageero ah miyaad ka heshaan dibadda?

J May cid shisheeye ah oo aanu taageero ka helnaa ma jirto balse anaga ayaa isku tashanay xoogayaga iyo tamartayadana isku gaynay. Cida keliya ee aanu taageeradooda filaynaa waa walaalahayaga Somaliland haatana aanu ka filayno taageero gaar ah.

S. Sideed u aragtaa gooni isu taaga Somaliland iyo marxaladda ay marayso?

J. Marka hore aad baan ugu hambalyaynayaa nabada iyo horumarka ka jira Somaliland gooni isu taaguna wuxuu u baahan yahay in laga eego dhinacyo badan, balse inay Somaliland ismaamushaa doodi kama taagna, sida xaaladda haatan looga baxayaana waxay u baahantahay in si fiican la iskula darso. Mar  rabno inay Somaliland soo dhex gasho dhooqada koofurta mana jeclin inay iska kaayo dhego tiraan. Waayo; Walaalkaa haddii uu dhibaataysan yahay wuxuu kaaga baahan yahay gargaar wixii aad tari karto markaa ugu yaraan haddii aad noo samaysaan guddi gaar ah oo dhex-dhexaadin ah waxay noqon lahayd wax tar wayn.

S. Wax xidhiidh ah ma la samayseen Somaliland, miyaase lagu marti qaaday shirka Nayroobi?

J. Waanu isku daynay inaan xidhiidh la yeelano ama aanu wefti u soo dirno balse noomay suurta galin oo kolbaa duruufo ayaa imanayay, shirkaa Nayroobina meeshii arrimo ku khuseeya lagaga hadlayo inaad joogtaa way fiican tahay markaa diid ama yeel wixii ka soo baxa marti qaad se ma ogi.

S. dhawaan waxa Hargeysa yimid wefti uu hogaaminayo Xuseen Bood oo sheegay inuu dadka Koonfureed ka sido fariin sideed u aragtaa arrintaasi?

J. Xuseen Bood waa saaxiibkay waa suurto gal inuu fariin ka siday Kooxda Carta, balse meel fariin loo dhan yahay loogu dhiibay ma garanayo cid uu wakiil ka yahayna ma jirto.

Gudoomiyaha UDUB Ee Gobolka Sanaag Oo Jid-Gooyo Lagu Dhaawacay

 

Ceerigaabo (Haatuf):- Gudoomiyaha ururka UDUB ee gobolka Sanaag Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey) ayaa ku dhaawacmay tacshiirad ay koox dabley ahi ku weerartay gaadhi ay wateen isaga iyo xubno kale oo ka tirsan UDUB, duleedka tuulada Hadaaftimo ee bariga Sanaag maalintii sabtidii.

Cabdilaahi carey oo ay weheliyeen xubno ka tirsan ururka UDUB laantiisa gobolka sanaag iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka waxa jid-gooyo loo galay isaga oo ka baxay tuulada Hadaaftimo, una sii jeeda dhinaca Ceerigaabo iyagoo markaa soo gabagabeeyay kormeer ay ku marayeen bariga Sanaag.

Sida ay sheegeen wararka ka imanaya Ceerigaabo Gudoomiyaha waxay xabadi kaga dhacday lugta, waxana dhaawiciisa la soo gaadhsiiyay Cusbitaalka Ceerigaabo.

Lama aqoonsan dableyda jid-gooyadaas fulisay, cidna lagama qaban, Inkasta oo la sheegay in ciidamo ku bexeen goobtaas. Dad Gudoomiyaha eheladiisa ayaa Haatuf u sheegay, in ay xaaladdiisu fiicantahay, dhaawiciisuna uu sahlan yahay.

Baaq Nabadgelyo Oo Ay Soo Saareen Salaadiinta G. Togdheer

 

Burco (Haatuf):- Salaadiinta gobolka Togdheer ayaa soo saaray baaq nabadgelyo oo ay u direen beelaha gobolka Sool, Togdheer, iyo dawladaba.

Sida uu soo tabiyay Weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer Liibaan Maaweel Shire, salaadiinta baaqa soo saartay waxay kala yihiin Sul: Maxamed Guuleed Mire, Sul: Maxamuud X. Xuseen Nuur, Sul: Nadiif Saciid.

Waxaanu baaqoodu ka koobnaa laba qodob oo kala ah,

In wax laga qabto colaad muddo dheer soo jiitamaysay oo dhextaala beelaha reer cilmi iyo Fiqi Shini ee gobolka sool. Colaadaas oo ay sheegeen inay hadda gaadhay meel aad iyo aad u xun.

Salaadiintu waxay intaa ku dareen in xilka wax ka qabashada colaadaasi, inuu saaran yahay inta kale ee Somaliland.

Qodobka labaad waxay salaadiintu baaqaas kaga codsadeen in labada beelood ee colaadu ka dhaxaysaa ay sameeyaan samir iyo dulqaad, qolo walibana ay meesheeda ku ekaato, dhibaatada dhacdayna aan dhibaato kale lagu darin oo laga daba geyn.

Baaqaass ka dib waxay salaadiintu baaq guud u soo jeediyeen ummadda reer Somaliland kaasoo ay ku sheegeen in ay abaaro ka jiraan afar gobol oo Somaliland ka tirsan oo kala ah, Sanaag, Togdheer, Sool iyo Saaxil sidaa darteedna waxay soo jeediyeen in roob doon la akhriyo, Ilaahayna loo noqdo oo la toobad keeno.

Fursadaha Horumarka

Iyo Carqaladaha Hortaagan

Q: 2aad ee Dood Hargeysa ka dhacday

 

Faa’isa Cali Maxamed oo ah madaxa Somaliland ee mashruuca (CSEP), ayaa shalay hadalo guubaabin iyo talo ku saabsan in dadka reer somaliland ay joogteeyaan kulamada ay kaga wada tashanayaan horumarkooda ku soo gebogebaysay dood ku saabsan hannaanka loo mari karo horumarinta Somaliland iyo carqaladaha hortaagan oo laba maalmoodba ka socday Hotel Xaraf-Hargeysa.

Dooda shalay, waxay ku saabsanayd qodobada beeraha, khayraadka kale ee dabiiciga ah iyo macdanta.

Barnaamijkan CSEP (Society Expansion Program), ee hay’adda Care International, waa qaab dhiiri-gelinaya barnaamijyo si joogto ah loogu abuurayo doodo iyo fikrado is-dhaafsi dadka bar-tilmaameedka u ah mashaariicda horumarinta dadka ee laga fulinayo bulshada dhexdeeda, iyada oo la marayo qaabka dhismaha awooda wax fulinta (capacity building), iyo nidaamka maamul ee hufan (good governance practices).

Doodihii shalay lagaga hadlayay khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan macdanta, waxaa laga tilmaamay kulankaas in dad aan aqoon u lahayn macdanta iyo baadhisteeda oo galay qodis dhul ay ka baadi-goobayaan macdan ay sababaan dhibaatooyin halis ah oo soo gaadhay naftooda iyo iyaga oo qodis ay dhulka qodaan aqoon la’aan ay keento raadka macdanta lagu garto oo luma. Fikraddaa waxaa soo bandhigay Cabdi Guray oo ka socday (FOPAG).

Kulankaas shalay, waxaa lagu soo bandhigay tilmaamo muujinaya carqaladaha keenay horumarka liita ee ka jira Somaliland, waxaana ka mid ahaa; in wershadaynta horumartay ee dunidu ay keentay in waxyaabo badna oo ay dadkeenu sameysan jireen oo ahaa wax-soosaar gudaha ah in lagu beddeshay alaabo dibadda laga soo dhoofsado, taas oo keentay hakasho horumarka ah. Deggenaan la’aanta siyaasadda ayaa iyana ka mid ah carqaladaha horumarka (halka ay ka jirto). Rabitaan la’aan ama ku dhaqaaq la’aan ay maamulada jiraa ka muujiyaan dhinaca horumarka ayaa iyana ah arrin lagu xusay carqaladaha horumarka.

Xabagta Cadaada geedka sida dabiiciga ah uga baxa Somaliland, ayaa ka mid noqday waxyaabaha la iib-geyn karo ee khayraadka dabiiciga ah ee dalka, iyo Dhuxul-dhagaxda oo ka mid ah macdanaha sida dabiiciga ah looga helo Somaliland, taas oo keeni karta in lagu beddelo dhuxusha dhirta laga soo shiday oo leh halis xaaluf degaan oo waxyeelo u leh nolosha dadka, xoolaha iyo ugaadha ku nool Somaliland.

Kulanka shalay ee aqoon-isweydaarsiga horumarinta, waxaa laga soo jeediyay in farsamooyinka hore loogu isticmaalay fidinta beeraha iyo ilaalinta dhirta ee Somaliland, aanay yeelan saamayn weyn oo dhinaca kor u qaadka wax-soosaarka iyo ilaalinta dhirta. Sidaas darteed, ay lagama maarmaan tahay cilmi-baadhisyo iyo sahamo waafiqi kara dadka ku dhaqan Somaliland oo keeni kara inay ku dhaqmaan qaab dhaqan oo kor u qaadi kara wax-soosaarka iyo ilaalinta dhirta.

Saado Xaashi Cawad oo ah Agaasimaha fulinta ee Gaboodka NAGAAD, ayaa shalay ka sheegtay kulankaas, in kasoo qaybgalayaashu ay ka soo jeediyeen aqoon-isweydaarsigan, aaraa iyo talooyin badan oo ku saabsan dhinaca horumarka marka la barbar dhigo kulankii ka horreeyay ee noociisa ah.

Intii ay qabsoomeen laba kulan oo ahaa aqoon-isweydaarsiga horumarinta, waxaa ka mid ahaa qodobadii lagu soo qaaday; waa maxay dawladi iyo waa maxay tilmaaha dawlad wanaagsan?

Su’aasha hore ayaa lagu soo bandhigay jawaabtan in lagu qeexi karo erayga dawlad “Dhaq-dhaqaaq leh dano kala duwan oo lagu dhaqay sharci ay u siman yihiin oo ay ku wadaagayaan awooda talada oo leh saamiga daryeelka bulshada oo ay ku samato-baxayaan dhammaan bulshadu.”

Qeexidan, waxaa laga soo xigtay Bernard Crick.

Dawlad wanaagsan ayaa lagu tilmaamy dawlada ay dadkeedu ka helaan arrimahan soo socda:

-          Inay difaacdo nabadgelyada muwaadiniinta dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

-          Inay tahay mid u heegana ilaalinta shuruucda u degsan iyo kala dambaynta nidaamka maamul.

-          Inay tahay mid metelaysa oo ku timid si sharciya oo dimuqraadi ah.

-          In tahay mid fududaynaysa oo u adeegaysa qorshaynta iyo horumarinta.

Dooda ku saabsanayd horumarinta ee shalay la soo gebogebeeyay, dhinaca ururada siyaasadda ee Somaliland waxaa ka soo qaybgalay Axmed Jaamac Muxumed oo ah Guddoomiyaha ururka UMAD. Golaha wakilada ee Somaliland cidi ugamay soo qaybgelin.

“Ninka Magaca Bixiyay Muu Aqoonin In Inankayga KULMIYE La Yidhaahdo”

Axmed Siilaanyo

 

KULMIYE, Af-Soomaali ahaan waa magac caan ah oo ay Soomaalidu si xoog leh u isticmaasho. Haddaba, sida ay ka war-qabaan dadka siyaasadda Somaliland la socdaa, waxaa magacan loogu wan-qalay o la baxay urur-siyaasadeedka uu hoggaamiyaha u Yahay siyaasiga Axmed Siilaanyo.

Sidaa aawadeed, dadka qaar waxay ku doodaan in magacaa la yidhaahdo wiil uu dhalay Axmed laftiisu, sidaana loogu bixiyay ururka. Dadka qaarna waxay yidhaahdaan KULMIYE waa eray tilmaamaya midnimo, sabab siyaasadeed ayaana magaca loogu bixiyay. Hase yeeshee, Axmed Siilaanyo wuxuu ku macneeyay in sidii ay magaca ula baxeen ay ahayd si caadi ah, oola mid ah sida magacyada loola baxo. Isaga oo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi; “Arrintaas haddaan runta ka sheego, maalintii la bixinayay shirkii aas-aasayaashu fadhiyeen, anigu waan ka maqnaa oo meeshaba ma joogin, qofka bixiyayna ma ahayn. Ninkii bixiyayna waa joogaa, waa nin la yidhaahdo Cabdi Giire, carruurtayda iyo qoyskaygana midna ma yaqaano, manuu aqoon in inankayga Kulmiye la yidhaahdo.” Axmed wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “magaca KULMIYE, waa magac dhadhankiisa iyo macnihiisa si wanaagsan loo garanayo. Erayga Kulmiye aad baynu u isticmaalnaa, waayo magacaa mid wanaagsan ah, oo isu soo dhaweyn iyo wax isu keen ayuu xambaarsan Yahay. Waana caddahay oo waxa la yidhi, waa midaynta iyo horumarinta Somaliland, qofkii si kale u turjumayaana isagay jirtaa. Markaa runta haddaad doonayso anigu horta ma bixin, oo goobtaba ma joogin, laakiin waa magac aan la dhacay oo sidii loo eegaba u wanaagsan oo aan raalina ka ahay.”

Fasirka erayga “SIYAASAD”, waxa laga yaabaa in lagu kala duwan Yahay oo qofba si ku macneeyo. Hase ahaatee, bal aynu diirada saarno aragtida siyaasiyiinta ee la xidhiidha fasirka erayga.

“Siyaasaddu waa qaabka ama farsamada marka dan laga hadlayo loo maamulayo dal iyo mujtamaciisa.” Sidaa waxa ku macneeyay Axmed Maxamed Siilaanyo. Waxaanu intaa raaciyay; “siyaasaddu waxa weeye wax la qaddariyo oo qiime leh inay ahaato, qiimo iyo qaddarin-na waxaa u sameeya dadka mihnaddaa galla, iyo sida ay ugu guulaystaan ama ugu guul-daraystaan hagistii dalka iyo dadka ay madaxda u yihiin. Laakiin, kolley waddamada iska kacaa-kufaya ee baahidu hayso e faqrigu yaalo, hawl fudud maaha siyaasiyiin kasta oo timaadaba in isbeddel siyaasadeed mar qudha la gaadhsiiyo. Sida wax waliba u korayaan ayay u koraysaa. Midda kale, had iyo goor wixii dhaliilo ah siyaasiyiinta waa la saaraa, waxay leeyihiin iyo waxaanay lahaynba. Dibadda iyo meel walbana sidaas uun baa loo dhalleeceeyaa.

Maalin baa Ingiriiska anigoo jooga ayaa waxaan daawanayay dood TV-ga ka socotay, markaa siyaasiyiintaa si xoog leh loo dhaliilay, dabadeedna nin suxufi ah ayaa daafacay siyaasiyiinta oo yidhi; horta anigu dadka siyaasiyiinta wax ka qora baan ahay, dadka inta badan dhaliilana waan ahay, laakiin haddaanay jirin, maynu jirneen. Waxaan ka baqayaa ayuu yidhi; haddaynu garaacistaas uun ku wadno siyaasiyiinta in beri dhow nin wax isku falayaaba uu siyaasaddaba geli waayo, oo dalkuna markaa u baylah noqdo wixi xunba siyaasiyiintaa leh halaga daayo.”

Isla qodobkaa, haddii aynu hoos ugu dhaadhacno, waxay dad badani rumaysan yihiin, inay siyaasiyiinta laftoodu inta badan dhalanteed uga sheekeeyaan dadka,  marka ay cod doorasho bulshada ka doonayaana ay barwaaqo, bash-bash iyo rajo-gelin ku khawaysiyaan. Sidaas aawadeed, miyaan la odhan karin, maxay siyaasiyiintu dadka ugu sheegayaan wax aanay hadhow dhammaantood fulinayn. Isaga oo taa ka jawaabayana wuxuu yidhi; “Taas, waan kaaga maah-maahaya, oo maahmaah baan kaga jawaabayaa.

Berigii 60-kii, ee aynu xorriyadda qaadanay, England baan arday ka ahaa, markaa annagoo dhawr arday ah ayaanu tagnay makhaayad nin Soomaali ahi lahaa. Odayga makhaayadda haystay wuxuu ahaa oday reer Ceerigaabo ah oo si fiican ilbax u ahaa. Markaa waxyaabo odayaal Sii-maan ahaa isugu sheekaynayeen ayuu ku qoslayay. Dabadeed markaanu makhaayaddii nimi ayuu noo yeedhay, ardayda waxay odhan jireen istuudhiyan, markaasuu nagu yidhi; waar qoladiinan istuudhiyanka ah, waxaan idin weydiiyay, odayaashani waxay isugu sheekaynayaan, markii calankii la saaray geed kasta oo Maygaag ah qasabad-baa la hoos geliyoo biyahaa fadhadhaq leh.

Dahabkiina waa la soo saarayaa. Waxaasi ma runbaa? Markaasaa mid naga mid ahaa yidhi; waar waxaa waxba kama jiraan oo waa been-ne geeliinii iyo adhigiinii baad raacanaysaane been ha isu sheegina. Dabadeed oday, odayaashii ka mid ahaa ayaa kacay oo yidhi; adeer caqli waa leenahay oo intaa waa garanaynaaye, niyadda hanaga dilin. Markaa ummaddu waa rajo ku nool. Siyaasigu waxa uu u leeyahay waxbaan ka qabanayaana waxay muujinayaan, inuu ogyahay hadba baahida dalka ka jirta, balse inay wada qabtaan iyo inaanay wada qabani, waxyaabo fara badan bay ku xidhantay.”

RAADYOW MA QALOOCSHE

A. A. GARAS
 

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha dhaadheer ee kaftan aqoonka ah iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq yahanka.

Akhyaartayada indhaha buur-buuranow maanta waxaan si cawaandinimo leh idiinku sheegayaa inuu ma qaloocshe cantaray oo uu raadyowgii ku soo kordhiyey aalad cusub oo la yidhaahdo “Ma qaloocshe tiifiishan” aaladdan oo samaynteeda dhegtu igu dheeraatay oo aan akhyaartayda mooyaane dadka kale ka qarshay, markaan raadyow-telefishin ku dhuftay waxay noqotay rugta faafinta fahda iyo faataadhugta ee ma qaloocshe, maalinkan maanta ahna warka raadyowga waxa ku xiga telefishinka oo aad ka daawan doontaan bahal filim ah oo raganimo leh, filimkaas magaciisa la yidhaahdo “dadkii halaabay iyo duunyadii baadi doontay”, waxa sameeyey farshaxankii faraha lagaga gubtay Mr.Qalinle, waxaana atoore ka ah odayga ilaaqda la gaabtay, ma qaloocshe booskiisuna waa ratigii dad-jir , khaayimiintuna waa kuwii alle ka dhigo.

Marka hore waa kan warkii oo kuus-kuusani:

Boqol iyo dheeraad madax kuusane ayaa meesha la yidhaahdo Afrika koonfureed isu hor-kuududsaday kulan loo baxshey mashruuca kor u jiidista dhulka malaasan iyo dhaqaalaynta dhirta iyo ku horjoogga halkiisa. Shirkaas oo uu u hadhimo kariyey madax-yuubka afrikada oogo, Mr. Inbakeeri ina Mandela ayaa furitaankii shirkaa isla kala jiiday oo dadkii isa soo hor-kuudadsaday khud-bad huluuqsiiyey , isaga oo sheegay in aduunyadii malaasnayd tawn balaynkii ka qaribmay , iyadoo dhulkii badhna loo dhukuray oo timihii laga xiiray, badhna timuhu ku baxeen oo ay injiri ku dhalatay, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la khuseeyo oo sinaan lagu dayo.

Waxa kale oo uu madaxyuubkaasi hadalkii uu u holladay intaa hoosta ka sii raaciyey in dhulka hub lala dhacay oo dakharo diginta lagaga dhigay, waxaas oo basar-xumo ahn ay dadkii ku noolaa ku sameeyeen, inkastoo la kala badsaday .

Warbixin dheer oo shirkaa lagu saydhiyey ayaa, iyana lagu cadeeyey inay jiraan dawlado kibir la cadaaday iyo dawlado miskiinimo la madoobaaday, dawladaha kibirka la cadaaday ayaa la gartay waxa ay isku cadeeyeen, taas oo lagu sheegay inay dhulka dalooshadeen oo nafaqadiisii iyo dheecaankiisii tuubo ku soo nuugeen oo ay badhna ismariyeen, badh-na hub ka samaysteen, badh-na idaacado ay dadka madow ka caayaan ka samaysteen.

Waxyaabaha kale ee shirkaa lagu gartay waxa ka mid ah in hadimooyinka dhulka loo gaystay ay ka mid tahay Wershadaha wadamada kibray oo aan saxarada birahooda suuliyo u samaysan, iyadoo dhuusada wershadahaana uu dhulku hargab ka qaaday, dhuuqidda batroolka ayaa, iyana dhulkii maskaxda iyo wadnaha xanuujisay.
Maraykanka oo ah dalka ugu weyn ee ku cayilay dhuuqidda dheecaanka dhulka ayaan isagu shirkaa ka soo daahirin, sababtana waxa lagu sheegayaa inay tahay madax-kankoonsanaha Maraykaanka oo hooyadii umulayso oo uu dhakhtarka ku hayo, iyadoo wararka qaarna sheegayaan inuu yidhi “Anigu madaxweynihii dunida ayaan ahay , iyaguna waa badhasaabo yar yar oo shiraya”.

Shirkan oo aanay shan-ka roontu habar qudha u dirin waxa loo malaynayaa inay qayilaad kaga habsaantay, balse war-bixin ay halkaas ka soo dirtay rooxaanta Haatuf ayaa sheegtay inuu shirkaasi u hakaday cabasho ay soo jeediyeen wadamada Car-beed oo ka mid ah dhulka uu xareeyey shidaalka laga caano-diiqay. Xanaaqaas oo bilowday markii ay dalalka Jarmalka iyo Jabaanku shirkaa ku soo bandhigeen baabuur biyaha quudata iyo wershado cad-ceedda ku guuxa iyo diyaarado dayaxa ku shaqeeya, shuquladaas oo la filayo in lagaga bad-baadi doono bililiqaysiga dhulka lagu hayo ayaa aad uga xanaajisay wadamo badan oo ku cayilay dhuuqidda dhulka, waxaanay yidhaahdeen “Miyaa nala caydhaynayaa, danahayagii baa duulimaad lagu yahay “, waxaana xayraanka ugu badan lagu arkay Carabta oo ay raganimadooda ugu badani ahayd shidaalka, waxay arini socotaba shirkaas waxa lagu gaadhay qoddobo kala ah:

in marka la gaadho labada kun iyo shan iyo tobanka la joojiyo isticmaalka shidaalka dhulka hoostiisa laga fadho.

In kaalmo iyo daawooyin loo diro kaluunka badaha ku hadhay.

In dhuusada Wershadaha laga ilaaliyo badaha.

In la sameeyo shirkado cusub oo cad-ceedda ka ganacsada oo kulaylkeeda sida buskutka u qardaaseeya.

In dhulka laga daayo qaniinyada iyo qanjiidhada lagu hayo.

Inay dadka dhulka ku nooli iska yareeyaan badraanimada iyo bakhaylnimada.

Shirkaas oo dad carradaa ka badani ka qayb galeen waxa, iyana xayraan ka muujiyey qolyaha galoobalaseeshinka la dirira oo ku tilmaamay inuu yahay shuqulkii hore ee masaakiinta loogu tashanayey.

Madaxweyne Mooyaha kiiniya ayaa shalayto galab shirkaas u ambabaxay, kaas oo markii uu tegayey shaqada ka sii caydhiyey madaxweyne-kuxigihiisii Mr. Mooje, waxaana la sheegay inaanu cidna xilka kaga tegin, balse khud-bad uu u sii jeediyey dadkiisa ayuu ku yidhi “Hakuuna mataato, cidna xilka u dhiibi maayo intaan maqanahay, waxaana dalka ka sii talinaya biirka, markaa biirkaa sii caba oo hays dhaqaajinina”.

Dhegaystayaal hadii aynu wixii war iyo wacaal ina soo gaadhay halkaa kaga hadhno, iminkana ku soo dhowaada qaybtii koowaad ee filimkii magaciisu ahaa “Dadkii halaabay iyo duunyadii baadi doontay”.

DEYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Isticmaalka Qalabka Ku Shaqeeya Qoraxda

 

Wixii ka dambeeyey sannadkii 1960-kii waxa isbedelay isticmaalkii tamarta ee shidaalka  sababta oo ah saamaynta iyo waxyeelada uu degaanka aynu ku noolahay u keenaan gubashada batroolka, naaftada iyo gaaska la shitaa ayaa noqotay arimo maalin-ba maalinta ka dambaysa ay waxyeeladoodu ku soo kordhayso degaanka hawada, biyaha iyo dhulka.

Dhinaca kale waxay dhibaato ka timi helitaanka waxyaalihii qadiimiga ahaa ee tamar ahaanta loo isticmaali jirey shidaalka-saliidda ka hor, labadaa arimood ayaa keenay inay dunidu baadi goobto sidii ay u heli lahayd tamar ka jaban shidaalka-saliidda, kana nadiifsan xagga saamaynta caafimaadka badda iyo degaanka.

Arintan ayaa keentay in tamarta laga helo ilayska qoraxda oo la kaydiyey ay noqoto mid buuxin karta arimaha aynu hore u soo sheegnay ee khuseeya shidaalka ay hadda dunidu aad u isticmaasho.

Waxyaabaha keenay in lagu daadato isticmaalka tamarta cad-ceedda waxa ka mid ah: Ilayska cad-ceedda oo dhulalka dunida intiisa badan laga heli karo xiliga maalinta.

Dhinaca kale qalabka korontada ee ku sahqeeya ilayska cad-ceedda kharashkiisu waa qiimaha iibsiga oo keliya intiisa badan, halka qalabka ku shaqeeya shidaalka uu u baahan yahay kharash iib oo la socda isticmaalkiisa, arintanina waxay muujinaysaa in isticmaalka qalabka ku shaqeeya ilayska qaraxdu uu leeyahay faa’iido dhinaca dhaqaalaha ah.

Habab kala duwan ayaa loo qabtaa, loona kaydiyaa ilayska qoraxda, sida rinji madow oo la mariyo gidaar jaajuur ah ama muraayado loo dhigo cad-ceedda oo leh farsamadii qabashada ilayska qoraxda, tii kaydinta iyo u bedelka kolba qalabka nooca loo isticmaalayo tamartaa, sida: Iftiin laydh, mishiin biyood iyo kulayl kaawiyadda dharka ah.

Ilayska qoraxdu waa tamar aan marka la isticmaalo hawada ku darayn qiiq waxyeelo u leh caafimaadka noolaha ku nool adduunka. Marka la eego Wershadaha waaweyni ama kuwa yar yar ee laga dhisto magaalooyinka dhexdooda, iyadoo ay wershadahaasi u baahan yihiin ama inta badan loo isticmaalo mishiino ku shaqeeya Shidaal marka uu gubto sameeya qiiq, guux iyo wasakhayn kale oo ah halka uu yaalo mishiinkaasi ayey u muuqataa in sida suurta galka ah ee kaga haboonaan lahayd ay tahay isticmaalka qalab ku shaqeeya tamarta cad-ceedda oo hadda ay meelo ka mid ah dalalka aduunku ku dhaqmeen inay u isticmaalaan Wershadaha, taas oo ah go’aan loo qaatay sababo ay dadkaasi ku lexo-jeclaynayaan inay ka bad-baadiyaan degaankooda waxyeelada la taabtay ee ay keento isticmaalka saliidaha kala duwan ee dunida lagu isticmaalo.

Inkasta oo ay Somaliland in muddo ah yaaleen qalab ka mid ah, kuwa ku shaqeeya iftiinka qoraxda, dadka qaarna ay isticmaaleen, haddana waxa muuqatay in ilaa hadda aanu fahamka iyo isticmaalka qalabkaasi aanu gaadhin halkii uu ku joojin lahaa waxyeelada isticmaalka shidaalka oo hadda ah nooca ugu badan ee dadkeenna u adeegsadaan ilaha tamaraha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan qalabka aynu u adeegsano nolol maal-meedkeenna.

Marka la eego sida ay Somaliland u tahay meel cad-ceeddu u soo baxdo maalin walba oo ka duwan dalal adduunka qaarkood oo uu iftiinka cad-ceeddu xiliyada qaarkood diiq ku yahay, taas ayaa noqon karta sabab macquul ah oo loo doorto nooca tamareed ee aad loogu isticmaalo dalkeenna inay noqoto ta laga kaydiyo cad-ceedda, taas oo u adeegaysa mabaadi’da daryeelka degaanka ee hadda ay indhaha iyo wax ka qabashada hab-dhaqanka dhibaatada u keenaya ay yihiin kuwa aad looga digo dunida. Dalalka qaarna ku keliftay inay samaystaan sharciyo u danaynaya sida ugu wanaagsan ee uu degaanku ku noqonayo mid ka fayow waxyaabaha halista geliya noolaha ku nool ee uu dadku ka midka yahay.

.     

Geedka Oramada, Makhaayada Ishi, Iyo Xaafada Kuusow

 

Ummad kasta oo ka tirsan ummadaha adduunyadda ku nool waxay leedahay wadooyin gaara oo lagu sooci karo dadka shisheeyaha ah ee soo galootiga ah. Waxaan  ku faani karnaa inaan nahay dawladda kaliya ee hawlahaa debeda ka joogta.

Waxaan sanadkii hore ku soo noqday dalka, markaan magaalada Hargeysa soo galay ayaan ka yaabay waxa inshi iyo aboowe meesha is dhex yaacaysa, ninkii kabaha ii baalasheeyay wuxuu ahaa Itoobiyaan, kii dharka maydhayayna wuxuu ahaa reer Soomaaliya, sidaas oo kale waxaa ahaa kii biyaha shubayay iyo kii guriga dhisayay. Run ahaantii ma ihi nin shisheeye nacayb ah, hase yeeshee, waxaan ahay nin dalkiisa jecel. Waxaa  wax tiiraanyo leh ah, in kumaakun dad shisheeya ahi ay ku sugan yihiin magaalada Hargeysa sharci la’aan, taasoo keenaysa dhibaatooyin aad u badan oo leh dhinacyo dhaqaale, Siyaasadeed iyo bulshoba.

Haddii aan ka sheekayno dhinacyada, waxaan odhan lahaa sidan:

Dadkaasi waxay xambaarsan yihiin intooda badan fikrado dhan ka ah jiritaanka Somaliland, waxaa la yaab leh in qaar ka mid ah kuwaas, marka aad la sheekaysatid ay inkirayaan in ay jirto wax la yidhaahdo Somaliland, hadda waa iyagoo jooga dalka gudihiisa, tolow maxay odhan lahaayeen hadday dibadda uga baxaan?

Waxa sahal noqday in qofkasta oo shisheeya ahi ku kaco arrimo dhan ka ah nabadgelyada dalka.

Waxay shisheeyahaasi kari karaan inay badalaan rabitaanka dadweynaha ee dhinaca doorashooyinka ka dhici doonta dalka, iyadoo aanay haba yaraatee jirin wax lagu kala sooci karo muwaadinka iyo ajanabiga.

Waxaa ku jira kara dad basaasiin u ah dawlado shisheeye

Hadii aan u jaleecno dhinaca saamaynta ay shisheeyuhu ku leeyihiin dhinaca bulshada taasoo aan odhan karo waa ta ugu khatarsan, waxaan odhan karnaa:

Dadkaasi waxay la imanayaan dhaqamo shisheeye oo ka duwan ka ay ina farayso diinteena Islaamku, taasina waxay keenaysaa inuu iscuno aasaaska dhismaha ee dhaqankeenu, islamarkaana keenaysa inuu soo if baxo dhallaan cusub oo badan oo sita dhaqano kala duwan.

Dadkaa oo si aan dhib lahayn u guursada haween u dhashay dalka, taas oo keenaysa inuu khakhalo sinjigii ay bulshadu ka koobnayd.

Dadkaa shisheeye waxa ku dhex jira dad badan oo xirfad ka dhigtay tuugnimada, anshax xumada, taasoo keenaysa inay bulshada soo galaan cuduro ijtimaaci ah, sida tuugada, tahriibta, waxyaabaha muxaramka ah, sida khamriga, maandooriyaasha, taasoo hadhaynaysa nabadgelyadda bulshada. Dhinaca dhaqaale dadka shisheeye waxay leeyihiin saamayn aad u wayn taasoo ah:

Inay cidhiidhiyaan boosaska bannaan ee shaqooyinka oo ay ka shaqayn kari lahaayeen Muwaadiniin dalka u dhashay.

in dalka laga saaro lacagta adag ee dalku u baahan yahay, waayo dadkaasi meelahay ka yimaadeen ayay u xawilaan lacagtay shaqaystaan. Mana jirto lacagta adag oo iyaga dibadda looga soo diraa. Waxaa kale oo badan tirada sanad kasta ku beermaysa Hargeysa, dad badan oo kale ayaa ku beermaya meelaha kale ee Somaliland. Waxaan khibrad u leeyahay qawaaniinta dawladaha kale ee ku salaysan Ajaanibka, khibradaas oo aan ka helay in badan oo aan dibadda joogay. Waxa aad u adag inaad ku biirtid bulshada dawladahaa, xitaa hadaad joogtid 50-sano. Hase yeeshee dadkeena waxa lagu tilmaami karaa dad aad u macaan, shisheeyahana jecel.

Waxaan ka baqanayaa maalin dhow inay dadka shisheeye ku doodaan inay kuraasi ku lahaadaan baarlamaanka, lana siiyo jagooyin wasiirnimo.

Waxaan odhan karaa anigoo kalsooni buuxda qaba in aanay reer Somaliland intooda badani lahayn wadaniyad dadkooda iyo ubadkoodana ayna jeclayn.

Run ahaantii waa arrin tiiraanyo leh.

Hadday arrimuhu sidaa u sii socdaan isu diyaariya Hargeysa 90% in degaankeedu noqdo dhul xabashi iyo reer koonfureed, idinkuna aad dalka fiisa ku soo gashan.

Axmed Iid Obsiiye (Catoosh) Hargeysa.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Mashaariicda Dib U Dhiskaa Dalka Maxaa Ka Qadiyay

 

Sida aynu wada ogsoonyahay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland waxay intiisa badan dhibaato kasoo gaadhay burburkii dagaaladii dalka ka dhacay xiligii lala dagaalamaynay xukuumadii Afweyn, dagaalkaas oo magaala kasta ka dhacay haddana waxa cad inay ku kala badnaayeen qaabkii dagaalka. Tusaale ahaan (Kalabaydh) waxay ahayd meesha ay xoogagii SNM ka dagaalameen 21-maalmood oo isdaba joog ah oo la isku isticmaalay hub aan miisaankiisu yarayn. Waxa ku burburay dhammaan muuqaalkii hore ee ay magaaladaasi lahayd xaqiiqdiina kamay hadhin meel qudha oo dhisani marka laga reebo guryaha Ina Kirix oo ahaa Sheekh Faqashtii la saaxiib ah oo darif kaga yaalay (kalabaydh) mooyaane. Haddaba marka arrimahaas oo dhan laga yimaado waxa maanta inoo muuqda in guud ahaan magaalooyinkii dagaalada wax ka soo gaadheen oo dhan lagu sameeyay dib u dejin iyo dib u dhis mid qaran iyo mid shaqsiyeedba iyo waliba kuwa samafalka caalamiga ah oo ay (hay’aduhu) qayb laxaad leh kaga soo qaateen taasoo magaalooyinka intooda badan mashaariic dib u dhis ah loogu maal galiyay, ilihii muhiimka ahaa ee adeega bulsho si kastaba ha ahaate kalabaydh kamay suura galin in dib u dejin (Resetlement) loogu sameeyo khasaarihii dagaalka marka laga reebo kuwo camays ahaa oo maanta aan sidoodii hore dhaamin. Waxa  taa u soo raaca oo u dheer maamul la’aan dhib wayn ka haysato bulshada deegaanka oo uu ka xog laayahay Maayarka Degmada (Gebile)oo la rumaysan yahay inaanu cid xogogaal u ah bulshada ama u hagta hawl maalmeedka caadiga ah aanu ugu samaynin halkaa.

Haddaba, waxa laga wada dheregsan yahay inay Kalabaydh u tahay xukuumada Somaliland hal irmaan oo waliba godol badan taasoo siday xukuumada ugu lisantay aan loogu hambayn, wayna jiraan magaalooyin maanta jira oo shalay meel madhan ahaa islamarkaana ay ka socdaan mashaariic dib u dhis ah oo dhinaca xukuumada ka yimid. Ma  aha wax xun in dalka meelo cusub laga dhigo magaalo oo kor loo soo qaado, waxase caddaalad darro lagu tilmaami karaa in  Kalabaydh oo kale ay noqoto meel dayacan oo qaawan maalintii daalkaa laa soo galay ilaa maanta oo ay joogto xukuumadu ugu qaadato balaayiin SL Sh ah

Maxamed Cali Muumin (Shiine) Kalabaydh.

WAADIGA CIYAARAHA

Maxaad Ka Taqaan

Taariikhda Weeraryahanka Ronaldo

 

Madrid (Reuters) – Weeraryahanka Brazil iyo kooxda Inter Milan, Ronaldo, ayaa Sabtidii ku guulaystay dedaal uu in muddo ah ugu jiray sidii uu ugu wareegi lahaa kooxda Isbaanishka ah ee Real Madrid, kadib markii kooxdu Sabtidii heshiiska la gaadhay kooxda Talyaaniga ah oo ay kaga soo iibsatay heshiis qiimihiisu Yahay 47 milyan oo lacagta Yurub ah, una dhiganta (46.31) milyan oo dollar.

Heshiiska Real Madrid kula wareegtay ciyaartoygaa, ayay si weyn uga hadashay warbaahinta kala duwan ee dunidu.

Haddaba, si aynu wax uga ogaano taariikhda ciyaartoyga, waxanu door-bidnay inaanu bogga Waadiga Ciyaaraha ee Haatuf, idiinku soo gudbino taariikhda ciyaartoyga reer Brazil, waana tan:

Bishii September 22, 1976, ayuu ku dhashay meel debedda ka ah magaalada Rio de Janeiro.

1989-kii, oo da’diisu ahayd 12-jir, ayuu la heshiyay kooxdii ugu horraysay oo ahayd Social Ramos. 1990-kii, ayuu heshiis caalami ah saxeexay, balse kooxda Ramos, ayaa diiday inuu ku biiro kooxda ay Rio de Janeiro ka wada dhisan yihiin ee Falamengo.

1991, wuxuu u diga-rogtay koox heerka labaad ah ee Sao Cristovao, wuxuu u dhaliyay 36 gool, 54 kulana wuu u ciyaaray.

Sannadkii 1993-kii, ayuu ku biiray Cruzeiro, oo heerka koowaad ah, halkaas oo uu magaciisu ku soo shaac-baxay dhammaan dalka Brazil, kadib markii uu dhaliyay 58 gool, isaga oo 60 kulan u ciyaaray.

1994, Ronaldo oo da’diisu 17-jir tahay, wuxuu ku biiray xulka qaranka, kulankii ugu horreeyayna waxay 2-1 kaga badiyeen Argentina. Wuxuu ka mid ahaa xulkii Brazil ee ku guulaystay koobkii adduunka, balse umuu safan xulkii koobka ku guulaystay, kadib markii ay rigoorayaal kaga badiyeen Talyaaniga ciyaartii kama-dambaysta. Isla bishii August, wuxuu ku biiray PSV Eindhoven, oo kula wareegtay 10.8 milyan oo lacagta Holland ah, una dhiganta ($4.70 milyan) oo dollar.

1994-95, xilli-ciyaareedkaa, wuxuu ku dhammaystay 30 gool oo uu ku qaatay tartanka gool-dhalinta kooxaha Dutch-ka, isaga oo Brazil-na ka caawiyay koobka Ameerika.

1995-96, wuxuu dhaliyay 12 gool, wuxuuna ciyaaray 13 kulan, kahor intii aanu naafayn dhaawacii ugu horreeyay ee Ruugga oo laga qalay.

Qalliinka oo uu ka soo kacay dhamaadkii February 1996, ayaa keentay inuu beddel ku soo galo ciyaartii kama-dambaysta ee koobka Dutch-ka, oo ay ku guulaysatay kooxdiisa PSV. Wuxuu u dhaliyay PSV 55 gool, 56 ciyaaroodna wuu saftay.

July 1996, ayuu u wareegay Barcelona oo ku iibsatay rikoodhkii dunida ugu sarreeyay oo ahaa 19.5 milyan oo dollar.

Sannadkii 1996-97, ayuu Nou Camp ka muujiyay wacdaro, wuxuuna dhaliyay goolal doora oo uu kala dhababaceeyay xarriiqda kala-badha garoonka, waxaana loo doortay xiddiga dunida ee FIFA 1997, isaga oo dhaliyay 1-0 ay Barcelona kaga badisay Paris St Germain, sidaana waxay ku hanteen koobka Super Cup-ka. Tirada goolahsa uu Barcelona u dhaliyay waa 33 gool, wuxuuna u saftay 38 kulan.

20 June 1997, wuxuu heshiis shan sannadood ah lagalay Inter Milan, kadib markii lala galay mid ka mid ah wadahadalkii dunida ugu waqtiga dheeraa. Heshiiskaas oo dhammaaday 8 September, markii Inter, FIFA ka oggolaatay inay ku iibsato rikoodhkii dunida ugu sarreeyay ee waqtigaas oo ah (27.9) milyan oo dollar.

December 22, 1997, ayaa loo doortay xiddig-sannadeedka Yurub, waxaana qiimayn ku sameeyay qaar ka mid ah wargeysyada ciyaarta kubadda cagta ee Faransiiska.

Bishii January 12, 1998, waxaa loo magacaabay ciyaaryahanka dunida ugu wanaagsan oo markii labaad oo xidhiidh ah uu ku guulaystay.

Bishii May 6-deedii, 1998, wuxuu dhaliyay hal gool, wuxuuna laf-dhabar u ahaa Inter inay 3-0 kaga adkaato Lazio kulankii kama-dambaysta ahaa ee koobka EUFA Cup, wuxuuna xilli-ciyaareedkii ugu horreeyay ku dhammaystay 34 gool oo uu ka dhaliyay 47 ciyaarood.

Bishii July 12-keedii, 1998, wuxuu ka cawday xummad xun oo ka haysay caloosha (uur ku jirta), saacado uun kahor kulankii gebogebada koobka adduunka oo ay Faransiiska la lahaayeen, xummad daran oo ka muuqatay ayaa keentay in kursiga kaydka lagu qoro. Hase yeeshe, waxay noqotay in kulankii lagu bilaabo oo uu ciyaaro wadhidii ugu xummayd ee Brazil oo 3-0 lagaga badiyay.

Bishii October, 1998, waxaa ku soo aaray dhaawac halis ah oo ruugga ka gaadhay, kaas oo ay ka war-wareegtay Inter daawayntiisa kahor dhammaadkii xilli-ciyaareedkaas.

Bishii May 1999, wuxuu xilli-ciyaareedkaa ku dhammaystay lix gool iyo lix kulan, taana waxa sabab u ahaa dhibatada joogtada ku ahayd. Xilli-ciyaareedkaas oo dhan wuxuu dhaliyay 15 gool, wuxuuna saftay 26 ciyaarood oo aanu intooda badan dhamaysan.

Bishii October 23-keedii, wuxuu gool ka dhaliyay Milan oo cadaawadi u dhaxayso, balse waxaa laga saaray ciyaarta markii ugu horraysay ee taariikhda ciyaaraha heerka koowaad.

Bishii November 21-keedii, 1999, wuxuu goolal ka dhaliyay 6-0 gool oo ay Inter ku jiidhay Lecce, iyada oo isla kulankaa laga qaaday garoonka, waana markii ugu horraysay ee ay Inter qasab ku noqotay inay yaqiinsato qalliinka Ronaldo u baahan Yahay.

November 30-keedii, 1999, ayuu galay qalliin culus oo Ruugga lagaga sameeyay cusbitaal ku yaala Paris.

December 24-keedii, 1999, wuxuu guursaday haweenay dharka xayaysiisa oo reer Brazil ah, laguna magacaabo Milene Domingues, waxaana xaflad aad u weyn loogu qabtay Rio de Janeiro.

April 6-deedii, 2000, waxa u dhashay wiil ay Milene u umushay, kaas oo loo bixiyay Ronald. April 12-keedii, 2000, wuxuu ku soo laabtay ciyaaraha, wuxuuna ka qaybgalay kulankii kama-dambaysta ahaa ee koobka Talyaaniga oo dhexmaray Lazio iyo Inter. Balse markii uu muddo afar daqiiqadood ah ciyaarta ku jiray ayuu dhaawacmay. Lix daqiiqadood kadib ayuu kala dhacay Ruuggii, markii uu sameeyay mid ka mid ah calaamadihiisii xarakaatka ahaa, isaga oo xagga goolka uu kubadda kula cararay. Waxaana ka muuqatay dhibaato tii ugu xumayd.

Bishii April 13-keedii 2000, isla maalin kadib, waxaa mar labaad lagu qalay cusbitaalkii hore ee Paris oo uu galay bishii November. Dhaawacaasi wuxuu ku qaatay muddo laba sannadood ah inuu kaga soo kabto. Soo noqoshadiisii waxaa hakiyay dhaawacyo muruqyada ah oo niyad jab weyn ku keenay.

La soco cadadka dambe……….

Xulka Kooxaha Horyaalada Yurub Oo La Soo Saaray

 

Monaco (Reuters) – Kooxaha AC Milan, Real Madrid iyo Manchester United, ayaa ku guulaystay in ciyaartoygooda loo doorto xulka ciyaarta ay UEFA ugu dabbaal-degayso sannad-guurada 10-aad ee xuska horyaalka Yurub.

Kooxdaas oo ay ka mid yihiin Marco van Basten, iyo Franco Baresi, oo halyayo ahaa horraantii 1990-kii, markaas oo hannaanka horyaalka Yurub lagu beddelay koobka Yurub, si uu u noqdo koob ay ku legdamaan kooxaha horyaalada haystaa.

Kooxda ciyaartoyga ee kulankaa u safanaysa lix ka mid ahi waa ciyaartoy soo maray AC Milan, saddexna waxay ka yimaadeen Manchester United iyo laba Real Mdarid ah, oo kala ah Zinedine Zidane iyo Raul oo ah labadii ciyaartoy ee dhaliyay 2-1 gool ee ay Real Madrid kaga adkaatay Bayer Levekusen, oo ay xilli-ciyaareedkii ugu dambeeyay kaga adkaatay kulankii ka dhacay Hampden Park ee Glasgow.

Kooxda oo hannaanka ciyaartooda loo doortay qaabka (4-4-2), kooxaha kale ee min hal ciyaartoy yeelanayaa waa kuwa ku jiray tartankaa.

Magacyada ciyaaryahanadaasi waxay kala yihiin sidan:

GOOLHAYAHA:

Peter Schmeichel (Manchester United)

DIFAACA:

Mauro Tassotti (AC Milan)

Marcel Desailly (Marseille, AC Milan, Chelsea)

Franco Baresi (AC Milan)

Paolo Maldini (AC Milan)

KHADKA DHEXE:

David Beckham (Manchester United)

Frank Rijkaard (AC Milan, Ajax)

Zinedine Zidane (Juventus, Real Madrid)

Ryan Giggs (Manchester United)

WEERARKA

Marco Van Basten (AC Milan)

Raul Gonzalez (Real Madrid)

Kooxda oo ay soo xushay guddida farsamada Yurub (UEFA), ilaa hadda looma magacaabin tabobare.