Haatuf, Cadadki 153, Sep.2002

8-urur-siyaasadeed Oo Ka Arrinsanaya Inay Mowqif Midaysan Iska Taagaan Doorashada

 

Hargeysa (Haatuf): 8 urur-siyaasadeed ayaa shalay kulan ay kaga kaga arinsanayaan marxaladda kala guurka ee ay kaabiga inagu soo haysa foodda isku daray hool ka mid ah hureelka baar XARAF ee magaalada Hargeysa, waxayna sideeda urur kala yihiin: BIRSOL, ILAYS, HORMOOD, UMAD, UCID, SAHAN, KULMIYE iyo ASAD, taas oo marka la eego sagaalka urur-siyaasadeed ee Somaliland ka jira uu kulankaa ka maqnaa keliya ururka UDUB ee ay ku bahoobeen madaxda dawladdu.

Kulanka ay ururada siyaasaddu ku yeesheen baar XARAF oo socdey dhawr saacadood waxa uu ahaa kulan albaabadu u xidhan yihiin oo ay saxaafaddu banaanka ka joogtey, hase yeeshee waxa la sheegay inuu kulankaasi ahaa mid ay ururadaasi kaga arinsanayeen sidii ay mawqif midaysan uga yeellan lahaayeen marxaladda kala guurka ee foodda, iyadoo qabashada doorashada koowaad ee dawladaha hoose loo cayimay 27-ka bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa, waxaana maalintaa inaga xiga 50 habeen oo keliya. Hase yeeshee wararka shirkaa ku saabsani daboolka kama qaadin ajandayaasha ay sida khaaska uga wada hadlayaan Xubnaha kulankaa isugu yimi oo ka koobnaa wakiilo ka kala socda sideeda urur-siyaasadeed.

 

Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed-Siilaanyo oo kulankaa gudoominayey ayaanu la kulanay shirka ka dib, waxna ka waydiinay ujeedada shirka iyo ajandayaasha lagaga wada hadlay, laakiin wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo qoddobada laga hadlay iyo arimaha ay doonayaan inay ka midoobaan, wuxuuse carrabka ku dhuftay inuu ujeedada kulankoodu yahay sidii ay ururadaasi mawqif midaysan uga yeellan lahaayeen doorashooyinka foodda inagu soo haya. “Waxaanu ka tashanaynaa sidii aanu mawqif midaysan oo aan wax dhibaato ah keenin uga yeellan lahayn marxaladda kala guurka iyo doorashooyinka soo socda”ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Isla markaana waxay sheegeen wakiilada ururada siyaasadda ka socda ee kulankaa ka qayb galay inay wada hadaladoodu sii socon doonaan, taas oo kulanka kan ku xiga loo ballamay Sabtida berito.

 

Inkasta oo aan ilaa hadda si rasmi ah shaaca looga qaadin qoddobada ugu mihimsan ee ay ururadaasi kulankooda ku fallan-qaynayaan, haddana waxa laga dareen qabaa inay ugu yaraan gebagebada wada hadalkooda soo saari doonaan baaq ku waajahan arinta doorasahada, laakiin lama oga inay odhan doonaan doorashada waanu qaadacaynaa iyo inay soo jeedin doonaan hindisayaal cusub oo hor leh soo jeedin doonaan. Sidoo kale waxa laga yaabaa inay ururadaasi kulankooda ku soo qaadaan saluugga didmada ay ka qabaan dhaqdhaqaaqa ururka UDUB ee dawladda oo ay ururada siyaasaddu ku eedeeyaan inuu isticmaalayo hantida iyo awoodda ummadda, maadaama ay hogaamiyayaasha sar-sare ee ururkaasi yihiin madaxda sare ee dawladda.

Kulankan ay ururada siyaasaddu isku hor-fadhiisteen waxa uu ku soo beegmay xili uu dhinaca ururada siyaasadda ka jirto guux la xidhiidha sida ay suurta-gal u tahay inay doorashadu ku qabsoomi karto mudada loo cayimay, sidaa darteed waxa suurta gal ah inay ururadaasi ka wada hadlayaan sida ay ka yeelayaan waqtiga loo cayimay doorashada.

 

 “Maantaba Haddii Ay Dawladdu Isku

Daydo Inay Wax Noo Dhiibto, Ugama Fadhani

Gudoomiyaha ururka BIRSOL---------Waraysi

 

Hargeysa(Haatuf): “Cumar Carte nagama dambeeyo, laakiin..”sidaa waxa yidhi gudoomiyaha urur-siyaasadeedka BIRSOL, Axmed Sandoon Xasan oo aanu toddobaadkan la yeellanay waraysi dhinacyo badan leh oo aanu ku faaqidnay shakhsiyadiisa siyaasadeed, guud ahaan arimo la xidhiidha xayndaabka mihnadda siyaasadda ee uu soo galay,  aragtidiisa la xidhiidha marxaladda kala guurka Somaliland ee ay dabaysheedu ina ruxayso sida uu u arko iyo waxyaalo kale.

 

Axmed Sandoon waa nin dhalinyaro ah oo aan waqti badan ku soo dhex-jirin badweynta siyaasadda, wuxuuna dabayaaqadii kontomaadkii ku dhashay degaanka gobolka Hargeysa, isla markaana magaalada Hargeysa ayuu 1965-kii ka bilaabay milcaamadda quraanka iyo waxbarasha dugsiga hoose, laakiin sannadkii 1968-kii ayuu waxbarashada dugsiga sare ka galay magaalada Jabuuti, halkaas oo uu dabayaaqadii toddobaatanaadkii ku dhamaystay waxbarashadiisii dugsiga sare oo gaadhsiisan ilaa fasalka sare ee loo yaqaan “High Scool”, intaa ka dibna intii u dhexaysay sannadihii 1977-kii—1980-kii waxa uu ahaa shaqaale dawladeed, laakiin bilowgii sideetamaadkii ayuu u leexday hawlo ganacsi oo u gaar ah, taas oo uu ku gudo jirey laga soo bilaabo waqtigaa ilaa hadda.

 

Axmed Sandoon badhtimihii sagaashanaadkii ayuu ka soo wareegay dalka Jabuuti oo uu muddo dheer ku noolaa, wuxuuna soo degay magaalada Hargeysa oo uu ku leeyahay goobo ganacsi, sida Mad-bacad iyo dukaamo. Hase yeeshee dabayaaqadii sannadkii hore ayuu sameeyey urur-siyaasadeedka BIRSOL ee uu gudoomiyaha ka yahay, laakiin Axmed, isaga oo tilmaamaya waqtigii ugu horaysay ee uu lugta la galo hawl siyaasadeed wuxuu yidhi “waxay ahayd waqtigii uu socdey halgankii hubaysnaa ee uu hogaaminayey ururka SNM, waqtigaas oo aan ka mid ahaa dadkii debedaha hawlaha ka wadey, sida ururinta dhaqaale”. Laakiin mar la waydiiyey xiligii ay ugu adkayd hawsha siyaasaddu wuxuu sheegay inay ahayd xiliyadaa uu wax ka wadey dhaqdhaqaaqyadii la xidhiidhay halgankii hubaysnaa ee SNM.

 

Waxay wararka qaarkood sheegaan inuu Axmed Sandoon dalka Jabuuti uga soo wareegay sabab la xidhiidha dhinaca siyaasadda, taas oo ku saabsan xurguf dhex-marrtay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, laakiin mar taa la waydiiyey wuxuu yidhi “Haa way jirtaa, laakiin aniga iyo isagu toos isugumaanu dhicin ee waxyaalaha guud aanu ku kala duwanaanay waxa ka mid ahaa shirkii Carta ee uu wadey oo aanu anaguna diidanayn”.

Axmed Sandoon, isaga oo ka waramaya sababta iyo goorta ay ku dhalatay inuu sameeyo xisbigiisa BIRSOL wuxuu yidhi “Waxaan is lahaa halgankii ka dib deganaan iyo horumar baa wadanku gaadhayaa, laakiin markii aan arkay inaanay taasi jirin ayaan go’aansaday inaan samaynay xisbi aanu kaga qayb geli karo dhismaha iyo horumarka dalka, sidaa ayaanu ku samaynay ururkan.”

Marka laga hadlayo ragga hadda ka dhex-muuqda ururada siyaasadda ee Somaliland ka jira waxay dadka arimaha siyaasadda fallan-qeeyaa ragga qaarkood ku xantaan inaanay ujeedadoodu ka badnayn inay ku muraad qunsadaan oo ay dal-cad yar kaga baxaan, laakiin gudoomiyaha BIRSOL mar la waydiiyey ilaa inta uu ku talo jiro inuu hawsha siyaasadda ku sii jiro wuxuu ku jawaabay “Walaahay horta ma garran karo ilaa waqtiga ay ila gaadhi doonto ama ay i odhan doonto iga joogso, markaa hadda ma qiyaasi karo waqtiga aan ku sii jiri doono”. Sidoo kale gudoomiyaha BIRSOL waxa la waydiiyey bal rajada uu ka filayo mustaqbalka siyaasadda, wuxuuna yidhi “Anigu shakhsiyan siyaasadda aan ku dhaqmaa ma aha mid mudacyo leh, illaahayna kama filayo siyaasad wax i yeesha, laakiin waxaan Illaahay ka filayaa siyaasad anigana wax i tarta, dadkana aan wax uga taro”.

 

Sida ay caadadu tahay dadka mihnadda siyaasadda ku soo biira qaarba heer baa hankooda siyaasadeed gaadhsiisan yahay, sidaa awgeed Axmed Sandoon mar la waydiiyey bal inta uu gaadhsiisan yahay hungurigiisa siyaasadeed wuxuu ku jawaabay “Arintaa iminka wax faallo ah ka bixin maayo, kamana hadlayo hadda”.

 

Gudoomiyaha BIRSOL waxa kale oo la waydiiyey bal rajada uu ka qabo inuu ururkiisu noqon karo mid mustaqbalka sii noolaada oo maqaam ka gaadha siyaasadda, wuxuuna ku jawaabay “Horta madaxtooyadu haba noo dambaysee, waxaanu doonaynaa inaanu ka mid noqono saddexda xisbi ee soo baxaya”. Laakiin mar la waydiiyey hadii ay isu arkaan inaanay soo baxayn bal inay diyaar u yihiin inay urur kale ku biiraan, wuxuu yidhi “Xisbigu ha yaraado ama ha buuraadee, hadii la isu tegayo koleyba anagu diyaar baanu u nahay”.

Sida la ogyahay mihnadda siyaasaddu waa shaqo adag, taas oo la aaminsan yahay inuu hogaamiye siyaasadeed noqon karo nin wax sifooyin badan leh, sifooyinkaas oo ay ka mid yihiin inuu yahay nin xamil iyo dul-qaad u yeellan kara hawsha qaxarka badan ee siyaasadda, sidaa awgeed gudoomiyaha BIRSOL, Axmed Sandoon mar la waydiiyey inuu yahay nin yeellan kara xamil siyaasiya wuxuu yidhi “Haa waan yeellan karaa xamil siyaasadeed”. Laakiin, isaga oo ka jawaabaya su’aal taa la xidhiidha wuxuu yidhi “Haa way jirtaa inuu dhiiggu nagu kacay, muxuu noogu kici waayey, way na soo martay taasi, wayna na soo mari doontaa”, isla markaana wuxuu tilmaamay inay jiraan duruufo haysta ururkiisa sida ururada kale, duruufahaas oo ay ka mid yihiin, kuwo dhaqaale iyo kuwa ijtimaaci ah intaba. Hase yeeshee gudoomiyaha BIRSOL mar la waydiiyey meesha uu ururkoodu ka helo dhaqaalaha uu ku hawl galo wuxuu sheegay inay waxoogaa qaadhaan ah ka ururiyaan dadka ururka ka tirsan ama taageera. “Inkasta oo ay dadka badankiisu u haystaan in xisbiyada lacag laga helo”ayuu yidhi, Axmed Sandoon, laakiin mar la waydiiyey inta ay le’eg tahay taageerada uu ururkoodu dadka ka haysto wuxuu yidhi “Xisbigayada taageeradiisu aad bay u wanaagsan tahay, lixda gobol ee dalkana xafiisyadu way nooga furan yihiin, degmooyinkana 80% way nooga furan yihiin”

 

Ururka BIRSOL waxay dadka qaar sheegaan inuu lug leeyahay siyaasiga weyn ee Cumar Carte Qaalib oo uu daaha dabadiisa ka hago, samayntiisana ka dambeeyey, laakiin gudoomiyaha BIRSOL, Axmed Sandoom oo la waydiiyey bal waxa arintaa ka jira wuxuu ku jawaabay “Cumar Carte nagama dambeeyo, laakiin xidhiidh wanaagsan baa hadda naga dhexeeya, isaga ayaana xor ah fekerkiisa iyo siyaasadihiisa, laakiin hadii uu anaga (BIRSOL) naga mid noqonayo oo uu nagu soo biirayo diyaar baanu u nahay”. Laakiin waxa kale oo la waydiiyey sababta keentay inuu xidhiidh dhex-maro ururkooda iyo Cumar Carte, wuxuuna ku jawaabay “Xubno anaga (BIRSOL) ka mid ah oo ay hore isu yiqiineen, xidhiidhna lahaayeen ayaa suurta geliyey xidhiidhka na dhex-maray”.

 

Ururka BIRSOL waxa uu ka mid ahaa shan urur oo kal hore soo jeediyey in dawladda talada haysa mudada loo kordhiyo, hase yeeshee muddo kordhintaa ay soo jeediyeen shantaa urur waxa mawduucooda laga bixiyey faaqidaad kala duwan, waxaana ka mid ahaa waxyaalihii lagu xantay inay dawladdu shantaa urur faraha dufan u marisay si ay u taagreen qorshayaasheeda, laakiin ururka BIRSOL oo ka mid ahaa shantaa urur waxa uu gudoomiyahoodu arintaa kaga jawaabay “Taa wax allaale wax ka jiraa ma jiro, bal iminkaba dawladdu ha isku daydo inay wax noo dhiibto, waxa naga ballan ah inaanaan kordhinayn hadii wax kasta la dhiibo”. Laakiin Axmed Sandoon waxa mar kale la waydiiyey bal inay yeelayaan iyo inay diidayaan hadii doorkana mudada loo kordhiyo dawladda talada haysa, wuxuuna ku jawaabay “Maya maanta uma fadhino kordhin dambe oo aanu dabada ka riixno sidii aanu doorkii hore u taban-taabinay oo kale, xukuumadana waxa doorkii hore noo dhexaysay oo aanu ku ballanay yaan halkaa aad maanta joogtaan la idiinku iman”.

 

Sida la ogyahay waqtiga xaadirka ah waxa taagan dood ku saabsan marxaladda kala guurka, taas oo ay dad badani iswaydiiynayaan sida looga gaadhsiin karo doorashada dawladaha hoose ee loo cayimay 27-ka bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa, sidaa darteed gudoomiyaha BIRSOL mar la waydiiyey bal sida uu isagu taa u arko, wuxuu yidhi “Runtii xaaladdu way iska yara adag tahay, laakiin waxa la yidhi wixii aaddan hurayn horaa loo yeelaa, markaa inaynu doorasho galno oo aynu u gudubno hanaanka xisbiyada badan waa geed ka go’an Illaahay idinkii 60% hay noo hagaagtee”.Laakiin waxa kale oo la waydiiyey bal inuu isagu u arko inay doorashada dawladaha hoose dhacayso waqtiga loo cayimay ee 27-ka Oktoobar, wuxuuna yidhi “Horta waqtigii laba bilood baa ka hadhay, laba bilood-na doorashadu way ku dhici kartaa, laakiin anigu ka sii hordhici maayo su’aasha ah doorashadu ma dhacaysaa, mise dhici mayso”. Sidoo kale mar la waydiiyey hadii ay doorashada dhacdo waqtiga loo cayimay ee 27-ka Oktoobar bal inuu ururkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb galo wuxuu yidhi “Haa diyaar baanu u nahay”.

  

Laas-Caanood: Maxaa Ka Soo Kordhay Xaaladii Colaadda Iyo Gogol Xaadhka Weftiga Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Wefti uu hogaaminayo wasiir-kuxigeenka wasaaradda arimaha gudaha dawladda Somaliland, Cabdi Cali Mahdi ayaa xalay fiidkii abaara 8:00 soo gaadhay magaalada Burco, ee Xarunta gobolka Tog-dheer, ka dib markii ay weftigaasi socdaal hal maalin qaatay ku tageen Xarunta gobolka Sool ee Laas-caanood.

 

Weftiga wasiir-kuxigeenka waxa ka mid ahaa mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo ay ka mid yihiin, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Cali Dheere, sidoo kale waeftigaa ka mid ahaa badhasaab-xigeenka Burco, Yaasiin Maxamed iyo Fu’aad Aadan-cadde oo ah gudoomiye-xigeenka ururka ASAD iyo xubno kale, waxayna weftigaasi magaalada Laascaanood ku sugnaayeen habeen hore, iyaga oo isla shalay gelinkii dambe ka baqoolay magaalada Burco, iyadoo ay ujeedada weftigaasi la xidhiidhay laba arimood oo is huwan, kuwaas oo kala ah inay u gurmadaan wax ka qabashada colaad ba’an oo ka dhex-aloosan laba beelood oo degaanka gobolka Sool iyo arinta labaad oo ah gogol-xaadh ay u samaynayeen wefti culus oo isugu jira salaadiin, mudanayaal Guurtida ah iyo xubno kale oo magac leh oo dhawrka maalmood ee foodda inagu soo haya lagu wado inay booqasho ku tagaan gobolka Sool, si ay halkaa wada hadalo siyaasadeed ugula soo yeeshaan hogaamiyayaasha beesha Sool.

 

Wasiir-kuxigeenka arimaha gudaha, Cabdi Cali Mahdi ayaa xalay cawaysinkii Haatuf u sheegay inay labadaa arimood-ba wada hadalo kala yeesheen garaadada beesha Sool, wuxuuna sheegay wasiir-kuxigeenku in colaadda ka dhex-taagan labada beelood loo magacaabay afar ka mid ah garaadada beesha Sool si ay wax uga qabtaan colaadda, sidoo kalena waxa uu wasiir-kuxigeenku intaa ku daray inay weftigoodu la kulmaan odayaal ka kala tirsan labada beelood ee ay colaaddu ka dhex-taagan tahay, kuwaas oo uu sheegay inay isla garteen inay labadooda dhinac-ba soo golafadhiistaan, diyaarna u yihiin in xal loo helo colaadda. Hase yeeshee dhinaca kalena wuxuu wasiir-xigeenku sheegay inay ciidamada dawladda Somaliland ee fadhigoodu yahay Laascaanood ku amreen inay soo qabtaan maleeshiyaad hubaysan oo ka soo jeeda mid ka mid ah labada beelood ee ay colaaddu ka dhex-taagan tahay, kuwaas oo duulimaad ay doraad qaadeen ku soo laayey ilaa saddex nin oo beesha ka soo horjeeda ah .

 

Sidoo kalena waxa uu wasiir-kuxigeenku sheegay inay madax dhaqameedka iyo hogaamiyayaasha kale ee beesha Sool ay diyaar u yihiin weftiga uga imanaya dhinaca Hargeysa, taas oo uu wasiir-kuxigeenku yidhi dadkaasi waa u diyaar dawlad iyo Cidii kale ee u imanaysa.

Dhinaca kalena war-bixin uu noo soo diray weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel waxa uu tafaasiil ka soo bixiyey dilalkii u dambeeyey ee ka dhex dhacay labada beelood ee ay colaaddu ka dhex-oogan tahay (Fiqishini (Hawiye) iyo Reer-Cilmi(Dhulbahante)).

 

Faarax Ciise oo ahaa oday ka soo jeeda beesha Fiqishini ayey Abacadii doraad maleeshiyo hubaysan oo beesha Reer-Cilmi ahi ku dileen meel dhinaca galbeed ka xigta magaalada Yagoori ee gobolka Sool. Maleeshiyada marxuumkaa dishay waxay wateen ilaa afar baabuur oo Landcruisero ah oo la sheegay inay dushooda ku rikibnaayeen qoryaha darran-dooriga u dhacaa, waxay marxuumkaa, isaga oo geel la jooga ku toogteen meel baadiye ah. Sidoo kale waxay isla Arbacadii doraad laba nin oo kale oo qabiilka Fiqishini ah ku dileen meesha la yidhaahdo Ceel-caanood oo dhinaca waqooyi ka xigta Yagoori.

Sida ay wararku sheegeen maleeshiyada dilalkaa geysatay waxay daba socdeen aargoosi la xidhiidha falal dil ah oo la sheegay inay horaantii toddobaadkan geysteen dabley ka soo jeedda beesha Fiqishini, waxayna dableydaasi jid-gooye u galeen baabuur dhuxul sida oo marayey meel u dhexaysa magaalooyinka Yagoori iyo Adhi-cadeeye oo labaduba ka tirsan gobolka Sool, halkaasna ay ku dileen hal nin, kuna dhaaqaceen laba nin oo kale iyo qof dumar ah.

 

Dhacdooyinka u dambeeyey ee dilalka ahi waxay cirka ku sii shareereen colaad soo taxnayd dhawrkii sannadood ee u dambeeyey oo u dhexaysay labada beelood ee Fiqishini iyo Reer-Cilmi, taas oo ay labada dhinac marar badan oo soo noqnoqday isu geysteen falal isugu jira dilal, dhaawac, afduubyo iyo dhac duunyo, waxayna colaadaasi keentay inay dadka ku abtirsada beesha Fiqishini ka soo qaxaan degaamadoodii, kuwaas oo sida ay wararku sheegeen ay hadda haysato dhibaato xoog lihi, taas oo ay toddobaadyadii u dambeeyey iska soo daba dhacayeen baaqyo qaylo-dhaan ah oo lagaga dayrinayo xaaladda dadkaa, iyadoo ay baaqyadaasi dal-banayaan in wax laga qabto colaadaa. Hase yeeshee hadda waxay u muuqataa inay faraha ka sii baxday oo ay xaaladdu ka sii xumaatay halkii ay joogtay toddobaad ka hor.

 

Dhalinyaro Weerartay Xafiiska SAHAN Ee Hargeysa

Harg (Haatuf):- Iyada oo wasaaradda Arrimaha Gudaha somaliland ay toddobaadkan amartay in la xoojiyo ammaanka xafiisyada ururka SAHAN, ayaa Arbacadii dorraad qalalaase ka dhacay xafiiska ururkaas ee Hargeysa.

 

Sida ay sheegeen dad goob-joog ahi, koox dhallinyaro ah ayaa subaxnimadii hore ee dorraad xoog ku galay xafiiska SAHAN, isla markaana ku amray shaaqaalihii iyo waardiyeyaashii joogay inay xidhaan xafiiska, dibaddana uga baxaan.

 

Xubno ka tirsan SAHAN, ayaa Haatuf u sheegay in dhallinyaradaasi ay garaaceen nin ka mid ah xoghaynta xafiiska oo markaa xafiiska furay, kadibna inta ay dibedda u saareen ay xidheen xafiiska.

C/raxmaan Ibraahim Askar oo 27-jir, oo ah wiilka xafiiska joogay ee la weeraray ayaa isaguna sheegaa xafiiska joogay ee la weeraray ayaa isaguna sheegay in saddex nin ay isu qabatay, isaga oo budhadh iyo feedhna ay la dhaceen. Kadibna ay dadka xaafaddu ku soo urureen oo ay kala qabteen.

 

Ururka SAHAN, ayaa u kala jabay laba kooxood oo iska soo horjeeda. Isla markaana qalalaase dhawr goor dhexmaray labad kooxood ayaa keentay cabsi ah in nabadgelyo darro ka dhex dhacdo ururka.

Kooxdan dhalinyarada ah ee dorraad xooga ku gashay xarunta ururka SAHAN, ayaa la sheegay in aanay ururka xubno ka ahayn, waxaana lagu tilmaamay kuwa u socday ama ay ka dambeeyaan xubno ka tirsan ururku, laakiin aan waafaqsanayn hoggaanka cusub ee loo doortay ururkaas, intii muranku ka dhex aloosnaa.

 

Shir Saddex-Geesood Ahaa Oo Ka Dhacay Hargeysa

 

 

Kulan ay soo qaban qaabisay hay’adda UNDP oo la kaashatay gaboodka (COSONGO) ee hay’adaha wadaniga oo ay ka soo qayb galeen Professor James Kataroba iyo Dr. Xaliima Nuur oo ah Madaxda barnaamijka wax qabad ee maamulka (capacity building for Governance), suldaan Rashiid Cali Ducaale, Agaasimaha guud ee Wasaarada qorshaynta ee Somaliland Cawil , garyaqaano, aqoonyahano, xubno ka tirsan warshado ganacsi iyo ururada wadaniga ah, waxa lagaga hadlayay dhinacyada maamulka, sharciga, horumarinta iyo xidhiidhka xukuumada ka dhaxeeya ee haya’adaha iyo ururada ka howlgala, shaqaalaha, lamaanahaa raga iyo Dumarka (Gender), luuqadaha, dhaqanka diimaha ururada ku salaysan, ururada sadaqada ururiya, ururada Ganacsiga, ururada bulshada iyo ciyaaraha, iskaashatooyinka iyo ururada horumarinta bulshada, ururada ilaalinta deegaanka, ururada xirfadyaqaanda, ururada waxbarashad, iyo manhajyada mac-hadyada cilmiga, ururada saxaafada iyo hay’adaha wararka. Dhammaan hay’adahaasi iyo ururadaas oo loo yaqaan isu-geyntooda (civil society organizations) waxaa lagu gorfeeyay kulankaas heerka ay Somaliland ka marayaan ururadaasi iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen hay’addaa UNDP barnaamij lagu horumarinayo wada shaqaynta xukuumada, Maamulada dowladaha hoose iyo hay’adaha wadaniga ah. Shirkaas waxaa tusaale ahaan loo soo qaatay sida aay saraakiil ka tirsan qaramda midoobay uga soo jeediyaan shirar hore oo caalami ahaa in Somaliland ay nabad tahay  una qalanto in la siiyo lacag dhan (140) milyan Dollar boqol iyo afartan milyan oo Dollar oo ah deeq ay lahayd dawladdii hore ee Soomaaliya looguna qoondeeyay heshiiska Lome ee iskaashiga wadamada hodanka ah ee dunida iyo kuwa saboolka ah oo hadda heshiiskaas lagu magacaabo (Cotonou Agreement) oo ah halkii uu heshiiskaas ka dhacay caasimada dalka Mali ee Afrika.

 

Professor James Katrobo oo ka madax ah barnaamijka horumarinta maamulka ee UNDP ayaa ka qayb galayaashii kulanka u gudbiyay casharo la xidhiidha maamulka wanaagsan iyo afarta tiir ee maamulka wanaagsan oo ku tilmaamay Pr: James inay yihiin maamulka dhexe (dawli), Golayaasha wakiilada (Representatives), ururada wadaniga ah (civil society organizations), wararka iyo Isgaadhsiinta, dhinaca kale wuxuu tilmaamay Professor James in saddexda meelood ee lafdhabarka u aah maamulka ay yihiin dawladda, Ganacsiga iyo shirkadaha gaarka ah, iyo hay’adaha wadaniga ah ee kala duwan iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay arrimaha qaarkood iska kaashadaan qaybahaasi si gaar , gaara iyo si guudba iyadoo oo ay qayb waliba leedahay howlo u gaara.

 

Dr. Xaliima Nuur Cabdi oo ka tirsan barnaamijka xoojinta hab maamulka ee UNDP oo hagaysaay kulankaa ka dhacay ming-sing, ayaa sheegtay in barnaamijka uu xafiiskoodu qorshaynayaa inuu ka fuliyo Somaliland oo kulankaasi bilow u ahaa in bartilmaameedkiisu yahay sidii loo dhisi lahaa qaab xidhiidh haya’adaha wadaniga dhexdooda ah, caawinta ururada gaboodka (Umbrella) ee ay ku midoobeen ururada iyo midowga guud ee gaboodka hay’adaha somafalka (Cso,s) , isku xidhka dawladda, dawladaha hoose iyo hay’adaha wadaniga ah, dhismaha xarun ka caawisa wararka iyo daraasaadka hay’adaha wadaniga ah (Resuorces center). Agaasimaha guud ee Wasaarada qorsheynta ee Somaliland Mr. Cawil ayaa sheegay in dowladda Somaliland ay la socoto heshiika Cotonou iy hantida lacageed ee loo qorsheeyay Somaliland.

 

Sharci yaqaan Mahdi (Khadar) oo ka hadlayay sharci ahaan wuxuu ka qabo distuurka Somaliland ururada wadaniga ah ayaa sheegay in qodobka 23aad, qaybtiisa saddexaad ee distuurka Somaliland uu u fasaxayo muwaadiniinta inay samaystaan ururo wadaniya oo madax banaan, sharci yaqaan Mahdi wuxuu intaa ku daray in ay jiraan xeerar iyaguna tilmaamaya habdhaqanka saxa ah ee ururada wadaniga. Mahdi isagoo ka hadlaya sida uu distuurka Somaliland u fasaxayo xuquuqda hadalka iyo xorriyada saxaafadda ayuu raaciyay in haddana ay jiraan xeerar sharciya oo aan ogoleyn in saxaafaddu qorto qoraal dhalin kara dagaal ama colaad. Kulankaas oo socday maalintii Arbacadii Ilaa  gelinkii dambe kana socday hotel Ming-sing. Waxa gebagebadii ka hadlay suldaan Rashiid Cali Ducaale oo uga mahad  celiyay hay’adda UNDP gacanta aay ka geysatay qabsoomida kulankaas iyo in uu ka rajaynayo in hay’adda UNDP ay gacan ka geysan doonto dhinacyo badan oo wax qabad iyo caawimaba u baahan ee Somaliland.

 

Madaxweynaha Afqaanistaan Oo Ka Badbaaday Shir-Qool

 

 

Kaabul (w.wararka) war ka soo baxay Wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Afqaanistaan ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalkaasi Xamiid Karasaay uu ka badbaaday shirqool loogu tala galay in lagu dilo isaga oo booqasho ku joogay magaalada Qandahar oo ku taala bariga dalkaasi maalintii shalay. Warku waxa uu intaa ku daray in gaadhigii

Madaxweynuhu, la socday ay ku dhaceen dhawr rasaasood, halkaana ay ku dhaawacmeen qaar ka  mid ah ilaaladiisa iyo duqa magaalada Qandahar oo ay ku dhacday rasaastii la riday.

Shirqoolkan ma cadda cidii ka dambaysay balse waxa ay wararku sheegayaan inuu Madaxweynuhu dirqi kaga baxsaday in la dilo.

 

Dhinaca kalena 30 qof ayaa ku dhintay ilaa 50 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii uu qarax weyni ka dhacay badhtamaha caasimada Kaabuul. Qaraxan oo uu keenay gaadhi lagaa soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxa uu ka dhacay goob u dhaw xarunta Wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka ee Afqaanistaan. Halkaasoo la sheegay inay dadku aad ugu badnaayeen. Taasoo sababtay khasaaraha ballaadhan ee uu qaraxani keenay.

 

Ma cada cida qaraxan ka dambaysay balse Afhayeen u hadlay Ciidanka booliska ayaa eeda qaraxan dusha ka saaray ururada Al-qaacida, daalibaan iyo hogaamiyaha xisbiga Islaamiga ah Qulbadiin Xikmatiyaar oo la sheegay inuu mucaarid ku yahay dawladda ka dhisan Kaabuul.


Ururka Jaamacada Carabta

Oo Ka Digay Weerar Lagu Qaado Ciraaq

Qaahira (W.wararka) Ururka Jaamacada carabta ayaa shaaca ka qaaday inay si cad uga soo horjeedaan hanjabaada ah weerar lagu qaado qaar ka mid ah dalalka Carabta gaar ahaana dalka Ciraaq. Kaasoo ay ku tilmaameen xadgudub loo gaysanayo qawmiyada carbeed guud ahaanba. Qaraarkan jaamacada carabtu waxa uu ka soo baxay gabagabadii shir ay isagu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka carabtu, kaasoo lagu qabtay xarunta jaamacada carabta ee magaalada Qaahira. Waxa kale oo shirkaa laga soo jeediyay in si dhakhso ah Ciraaq looga qaado cuna-qabataynta lagu hayay muddada dheer.

 

Taasoo dhibaato weyn ku haysa dadka reer Ciraaq iyaga oo ku baaqay in la ixtiraamo qaranimada iyo madaxbanaanida Ciraaq. Waxaanay Wasiiradda arrimaha dibadda ee carabtu soo dhaweeyeen balan qaadka Ciraaq ee ku saabsan inay la shaqaynayso ururka qaramada midoobay iyo inay fulinayso go’aanadii ka soo baxay Golaha amaanka ee qaramada midoobay. Xoghayaha guud ee jaamacada carabta, Camar Muusa ayaa gabagabadii shirka carabta sheegay in weerar lagu qaado Ciraaq uu dhibaato weyn ku keenayo bariga dhexe.

 

Waxa ay tani ka dambaysay iyadoo maalmahanba la hadal hayay weerar uu Maraykanku damacsan yahay inuu ku qaado Ciraaq.

Dawladda Ciraaq ayaa iyaduna dhinaceeda soo dhawaysay go’aanada ka soo baxay shirka Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka carabta.

 

Wer-Werka Laga Qabo Xaalada Bariga Dhexe Oo Saameysay Suuqyada Ingiriiska Iyo Maraykanka

Suuqa saamiyada Ganacsiga lagu kala iibsado ee magaalada New York ayaa shalay uu ku yimid waxoogaa hoos u dhac ahi, marka la eego qiimaha lagu iibsanayay maalmihii ka horeeyay shalay. Isbadel isna khuseeya dhinacyada saamiyada iyo shirkadaha ayaa ka dhacay dhinaca Igiriiska. Arrintan hoos u dhaca saamiyada ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa la sheegay in ay ka timid wer-wer laga qabo xaaladda bariga dhexe. Martin Dobson oo ah dilaal ganacsi oo ka shaqeysta  meesha loo yaqaan Nat west ayaa sheegay in hadal haynta dagaalka bariga dhexe ay keentay deganaan la’aan dhinaca maalqabeenada bixiya maalgelinta shirkadaha ee Yurub ayaa iyaguna muujiyay hoos u dhac ka dib markii koox Swiss ah oo degan Zurich ay sheegtay inay dhimayaan (4500) afar kun iyo shan boqol oo shaqaale ah hoos u dhac ku yimid awgii. Faransiiska shirkadiisa Telecom ee Isgaadhsiinta ayuu iyana ku yimid hoos dhac dhan 9% boqolkiiba sagaal, iyadoo ay jariidada La Tribune iyana sheegtay in uu khasaare kale ku soo baxayo shirkadaas dhawaan.

 

Dhinaca Jarmalka ayaa isagu ka sahlan hoos u dhacyada ganacsi ee ku yimid dalalka kale ee Yurub. Guud ahaan dhaqaalayahanada ayaa muujiyay, in dhaqaalaha adduunku uu marayo xaalad leh waji aan fiicnayn waxayna tusaale u soo qaateen in bishii August ee sanadkii hore  hoos u dhacu uu ahaa inta imika badhkii lana filayay in dhaqaaluhu isa soo kabo laakiin laba laabmay iyadoon la saadaalin karin mustaqbalka dhow sida ay arrimuhu isu badali doonaan.

 

Eheladii Dad Reer Tanzania Ah Oo Ku Waxyeeloobay Shil Tareen Oo La Siiyay Mag-Dhow

Laba boqol oo qoys oo ka mid ah dad waxyeelo ka soo gaadhay shil tareen oo bishii June ee sannadkan ka dhacay dalka Tanzania.

 

Qoys kasta oo dadkaas ka mid ah waxay sheegtay dawladda Tanzania inay la siin doono $700 (toddoba boqol oo dollar.

Qoysaska lacagtaa la siinayaa, waa kuwa ay dadku kaga dhinteen shilkaa. Waxaa iyagana qoyskiiba boqol iyo afartan dollar ($140) la siin doonaan qoysaska iyaga ay dad kaga dhaawacmeen shilkaas.

Arrinta mag-dhawga waxaa ballan-qaaday xilligii uu shilkaasi dhacay madaxweynaha dalka Tanzania Benjamin Mkapa, iyada oo hadda magdhaw bixintiisa uu ku dhawaaqay William Lukuvi, oo wasiirka Arrimaha Xukuumadda Tanzania ah.

 

Qiyaas dhan ilaa 300 boqol oo qof, ayaa la filayaa inay ku dhinteen shilkaas, laakiin dawlada Tanzania waxay bixinaysaa 206 (laba boqol iyo lix qof), oo iyaga la aqoonsaday, laakiin dad ayaa si xun uu jidhkooda ugu googo’ay shilkaas oo aan la aqoonsan.

Shilkaasi wuxuu ahaa kii ugu xumaa shil tareen oo ka dhaca Tanzania, wuxuuna tareenku ka soo qul-qulay meel buur ah, kadib markii ay biriigyadu qaban waayeen, kadib xoogii uu u socday ayaa keenay inuu qalibmo, tareenkaasi wuxuu siday xilligii uu dhacay ilaa kun (1000) qof oo rakaab ah.

 

IFTIINKA ISLAAMKA

Ka Toobad Keen

Dunuubta, Intaanu Waqtigu Dhicin.

Toobada oo ah in ay adoomuhu xaga Ilaahay u noqdaan kana toobad keenaan wixii dambi ah ee ay galeen waa mid ay shareecada Islaamku inagu dhiiri gelisay iyadoo ina fartay in aynu toobad keeno markasta iyo goor kastaba.

Qur’aanka Kariimka ah Ilaahay S.W. meelo badan oo ka mid ah ayuu inagu faray in aynu toobad keeno xagiisana u noqono, taasoo ka mid ah sifooyinka iyo calaamadaha wan-wanaagsan ee lagu garto dadka mu’muniinta ah.

 

Rasuulku S.C.W waxa uu si ficil ah iyo si qawl ahba inagu faray in aynu toobad keeno inaga oo ka baxayna dambigii aynu ku jirnay noocuu doono ha ahaadee.

Rasuulku waxa uu inoo sheegay in ay dadka oo dhami danbaabaan balse ay ugu khayr badan yihiin kuwa ka toobad keena. Xadiis kale waxa uu Rasuulku ku yidhi “haddii ay daan dambaabayn Ilaahay waxa uu abuuri lahaa dad dambaaba oo haddana ka toobad keena” taasoo uu Rasuulku inoogu cadaynayo in aanay suurta gal ahayn in la helo dad bilaa danbi ah balse dadka looga baahan yahay in ay toobad keenaan. Isagoo Rasuulku taa inoo sii fasiraya waxa uu xadiis ku yidhi “Ilaahay waxa uu ugu farxaa marka uu adoonkiisu u toobad keeno sida qof uu ka lumay awr dhaan ahoo uu watay ayna u saarnaayeen wixii uu cunayay isaga oo maraya meel lama degaan ah, ka dibna doon doonay oo markii uu ka quustay iska hoos seexday geed, cabaar ka dibna baraarugay isaga oo awrkiisii dul taagan yahay oo farxad darteed yidhi “Ilaahayow waxaad tahay adoonkaygii aniguna waxaan ahay Rabbigaagii” Ninkaasi farxad darteed ayuu dambaabay sidaasoo kale ayuu Ilaahay ugu farxaa marka uu adoonkiisu u toobad keeno.

 

Mar uu Rasuulku inoo sharaxayay sida uu Ilaahay u dhaafo dambi kasta waxa uu yidhi “nin ka mid ah ummaddihii hore aayaa dilay 99 qof, dabadeed waxa uu doonay inuu toobad keeno waxaanu u tagay wadaad isaga oo ku yidhi waxaan dilay 99 qof, waxaanan doonayaa inaan toobad keeno. Wadaadkii baa yaabay oo ku yidhi ma ninkaaga 99 qof dilay, ayaa toobad keenaya waar iga hor dhaqaaq ninkiibna wadaadkiina dilay oo kaga dhigay 100, ka dib waxa uu u tagay Sheekh Caalim ah markii uu u sheegay dambiga uu doonayo inuu ka toobad keeno ayuu sheekhii ku yidhi Ilaahay wuu kuu dambi dhaafi karayaa ee ka tag magaalada aad joogto oo ah meel dambi badan waxaanad tagtaa magaalo ay dadka khayrka lihi ku badan yihiin ninkii baa dhaqaaqay isaga oo ku socda meeshii sheekhu u tilmaamay intii aanu gaadhin ee uu dhexda sii socday ayuu geeriyooday, maydkiisiina waxa isku qabsaday malaa’igtii janada iyo malaa’igtii naarta, iyagoo ku murmay inuu nin khayr leh ahaa iyo inuu nin dambi leh ahaa ka dib Ilaahay baa u soo diray malag kala saara kaasoo ku yidhi waxaad qiyaastaan meeshii uu ka yimid iyo meeshii uu u socday ta uu u dhawyahay haddii uu u dhawyahay tii uu ka yimid waa dambiile, haddiise uu u dhawyahay ta uu ku socday waa ehlu khayr, markii ay qiyaaseen waxa ay arkeen inuu u dhawyahay meeshii uu ku socday sidaasaanay ku qaadatay malaa’igtii khayrka uuna ku noqday ehlu janno” xadiiskani waxa uu inoo cadaynayaa sida ay naxariista Ilaahay u ballaadhan tahay uuna ugu dhaafi karo adoomihiisa dhammaan dambiyada ay galaan.

 

Balse Rasuulku S.C.W. waxa uu inoo sheegay in albaabada toobada la xidho marka ay cad-ceedu ka soo baxdo dhinaca galbeed oo ah Qiyaamaha iyo  marka ay qofka naftu kasii baxayso ee ay gaadho kalxamaha labada goor lagama aqbalo qofkii isyidhaa toobad keen laakiin inta ka horaysa toobada way furan tahay.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Kumaa Maanta Ina Hogaamin Kara?

Sida aynu la wada socono muddo ay wax yari inaga xigaan waxaa haddii Ilaahay inagu simo aynu rajaynaynaa in dalkeena ay ka qabsoomaan doorashooyin xor ah oo ku dhisan nidaam xisbiyo badan kuwaas oo ah wadadii aynu kaga guuri lahayn nidaamkii beelaha ee ahaa kan maanta halkan ina soo gaadhsiiyay si Haddaba dadaalku aanu u noqon mid dib inooga noqda ayaa sida dastuurkii aynu 97% haa ugu codaynay uu qeexayo waa in aynu u guurnaa nidaam doorasho oo hab dimuqraadi ah ku dhisan waa haddii doorasho dhacdo haddii ay dhici waydana waa arrin dib u dhac wayn inagu keeni doonta balse ay xalinteedu ina hortaal.

Bulshada Caalamka ama wadamada daneeya arrimaheenu doorashada inagu soo fool leh indha gaar ah ayay ku soo eegayaan iyaga marxaladan kolba sida ay u dhacdo inagu qiimayn doona Horta marka doorasho la yidhaahdo waa arrin hawsheeda leh iyo dhibkeeda waynu ogsoonahayin khilaaf badani ka yimaado doorashooyinka dhammaan Caalamka tusaale waxa inoogu filan Maraykanka oo ah wadanka dunida ugu horeeya inuu yahay sheegta sidii la isugu khilaafay, balse wixii lagu kala baxay uu ahaa sida uu dhigayay dastuurkoodu wadamada dunida 3aad iyaga waxaabay gaadhaa gacan ka hadal, haddii aan  u soo noqdo teena waynu ognahay ummaddeenu maaha ummad u bisil doorashooyin noocan ah, sidaasoo ay tahay waxaynu ka mid nahay wadamada dunida kuwa ugu saboolsan laakiin iyadoo ay intaas oo dhami ay jirto ayaynu maanta dhexda u xidhanay sidii aynu hawshaa uga midha dhalin lahayn balse su’aasha meesha taal waxaa weeye doorasho aynu qabsano’e waa in ay ummaddu ka fikirto cida ay dooranayaan ee  marxaladan ka saari karta bulshada caalaamkana ku dari karta Haddaba waa kuma ninka maanta ina hogaamin kara ee dalkan u keeni kara Ictiraaf iyo horumar? Tirada xisbiyadda ee maanta doonaya in ay ka qayb galaan doorashooyinkan waa sagaal iyagoo sida dastuurku qeexayo looga baahan yahay 3 xisbi iyagoo ku kala hadhi doona doorashooyinka u horeeya ee D/hoose sagaalkaa Xisbi oo kala ah.

1.       UDUB

2.       KULMIYE

3.       BIRSOL

4.       HORMOOD

5.       ILAYS

6.       UCID

7.       ASAD

8.       SAHAN

9.       UMAD

Xisbiyada iyaga waxaa laga doonayaa inay la yimaadaan tartan hufan oo xalaal ah, Haddaba haddaan u noqdo su’aasha hore, anigu ra’yi ahaantayda waxaan qabaa hadii Mudane Cumar Carte Qaalib isu soo taago doorasho, inuu yahay ninkii maanta ku haboonaa marxaladan.

Anigoo aanay iga ahaayn qof jeclaysi iyo qabiil jeclaysi midna.

Ummadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay ka fiirsadaan cida ama ninka maanta marxaladan ina hogaamin kara.

Saadaad Aadan Cismaan, Hargeysa.

 

Qaran-Nimadeena Waxaa Ragaadiyay Hogaamin La’aan- II

 

 

Qaybtii hore ee qoraalkan oo ku soo baxday Cadadkii 142 ee wargayskan soona baxay August 21, 2002 iyo Shabagadda Internetka ee Somalilandnet.com oo ku daabacday cinwaanka “Qaranimadda” waxaynu ku iftiiminay qiimaha ay hogaamintu ka leedahay qaranimadda iyo guuldaradda inaga soo gaadhay qaangaadh la’aantii hogaamineed ee ka timi inamaddeenii Galbeedka wax ku soo bartay. Tusaale ahaan, tobankii sanadood ee aynu la soo noqonay qaranimadeenii hogaamadeenii kala danbeeyey waxay ku toosi waayeen in ay keenaan hanaan hufan oo maamul fidineed. Halkaas waxaa ka dhalanaysa su’aal da’wayn oo ah sida ay suuro gal ku noqotay Midowgii Sofiyati oo qaranimaddiisa cusubi hana qaaday ka dib kacaankii Bolshefiga ee dhashay 1917kii uu u noqday wadan wayne afartan sano ka dib isku bahar daadiyey dunida. Amaba ay ka dhowdahay in aynu milicsano kacaankii wadan waynaha Shiinaha ka curtay 1949kii. Maxaynu kaga duwanahay ee inoo diiday in aynu dhidibno qaranimo maadaama aynu haysanay xoriyadda in ka badan 40 sanadood?  Inkasta oo la odhon karo xadaaraddo iyo bulsho balaadhan (multi diversity) ayey kuwaasi ka soo jeedeen haddana ma jirto meel looga gudbo, marka lagu daro muddadii dheerayd ee aynu hoos joognay boqortooyaddii Ingiriiska. Tan danbe waxay soo bedi kartaa dhamaanba wixii ay bulshooyinkaasi inaga mudnaayeen.

Dhinaca aqoonta casriga ah waxaa sareeyey kuwa aynu mar walba hogaanka u dooranaynay marka la barbar dhigo masuuliyaddii labadaas bulsho horkacday hadday noqoto xili kasta intii aynu haysanay xoriyadda. Laakiin runtu waxay noqonaysaa hogaankeena oo aan lahayn qabka ku jiray kuwaas dhidbay qaramadda aynu tilmaanay. Haddii aan soo dhaweeyo sida uu hogaankeenu u habayn kari waayey bulshadeena kooban halka ka Shiine habeeyey tiisa dhaaftay bilyanka qof? Jawaabtu ma foga kuwa Shiinuhu mabda’ bay leeyihiin dabadeedna waxay sameeyeen hawlgal qudha oo ka maqan kuweena. Kaasoo ah in bulshada la qaabeeyo (institutionalized society).

 

Waxaad taas si haboon looga arki karaa sida ay dawladeenu u diidanayd in wadanka lagu fidiyo maamul casri ah oo bulshada wax tara. Halkii ay taas ka qaban lahayd waxay door biday hanaankii gumaysiga oo gartay in aan bulshada loo gacan dhaafin cida dhaqanku talada ugu dhiibay (waayeelka ama cuqaasha). Marin habowgani wuxuu ku aslan yahay iyadoo hogaankeenu aanu fahmin xuduuda u dhaxaynaya ujeedadii gumaysiga iyo taynu rabno. Qofku wuxuu meel dhaw ka arki karaa maxaynu Ingiriis u kicinay haddii aynaan lahayn ujeedo ka duwan tii maamulkiisu ku dhisnaa?

 

Runtii ujeedadeenu way ka duwanayd taas uu gumaysigu ka watay dhulkeena oo ahayd in maamulkiisii dunida ku baahay ku samaado. Asalkeedu waxay noqonaysay in uu abuuro hanaan kala danbayneed oo xadhkaha isugu haya bulsho dawlad la’aan ku barbaartay oo dantiisu soo gashay. Hawgalkiisu qayb ahaan waxay ahayd ku meel gaadh manuu fulin qaabaynta bulshada ee lagu kala hor maray. Tii xoriyad doonkeenu ku dhisnaana waxay ahayd in aynu hanano dhulkeena oo ka taagno dawlad qaranimadeena qotomisa. Haddaan astaamahaasi jirin waxay isugu biyo shubaysaa in guud ahaanba aanay jirin tusmo sugan oo aynu dawladnimadda ka lahayn. Si kasta wax haw jireene ragii aynu daba fadhiisanay may qaadin toobiyaha qaranimadda lagu hanto, taasina waxay sal dhigaysaa in hawlgalkeenu aanu ka duwanayn kii shisheeyuhu ka aas aasay ciideena. Iyadoo weliba ay ka markhaati kacnay musuqmaasuq aan xad lahayn iyo takoorista aqoonta. Tan danbe oo ah astaanta ma guuraanka ah ee ku tidcan qaranimadda ayeynu kala kulanay dhibaato laxaad leh laba wejiba: ta hore waa koobnaanta dadka aqoonta leh, marka lagu daro qurbaha loo haajiray iyo ta labaad oo ah hogaankeenii qaran oo takooray intii koobnayd ee aynu nasiibka u helay. Marka laysku soo duubo tobankii sanadood ee aynu qaranimadda higsanaynay maynu qaadin marin qaranimadeenu geydo iyadoo sababtu tahay dadka ina hogaaminayey oo aanay u qeexnayn doonisteena iyo guud ahaanba macnaha laga leeyahay qaranimadda casriga ah.

 

Tilmaantii qoraalkii hore wuxuu iftiimiyey sidii hogaankii halganku ugu guuldaraystay qaabaynta bulshada oo eedeedu dul hadhsanayso dhamaanba kooxdii halganka majiiraha u haysay.  Kuwaas oo aynu ka xusi karo Siilaanyo maadaama uu ururka in badan hogaaminayey iyo maamulkii Tuur oo ahaa mid aad u tamar daran. Haddii aan u soo noqdo xiligii ugu dheeraa ee madaxweynihii xijaabtay iyana guul may ahayn marka laysku qiimeeyo xiligii dheeraa ee uu hogaanka hayey iyo maxsuulka ka soo baxay. Waa iska caadi in waayo aragnimo laga qaato waayaha taasoo aynu leenahay Cigaal ka helay labadii sano ee ka horeeyey. Laakiin Tuur laftiisu ma yaraysanayo waayo wuxuu hortaagnaa shacbiyad waxwalba ula diyaara oo u jibaysan in ay qaran dhidibto. Waana run in ka hore uu wax wayn ka qabtay ilaalinta nabadgelyaddii waayeelku keeneen, iyadoo noqonaysay mid ka timi baahida uu hogaanku u qabay in uu ilaashaddo kursigiisa. Haddii kale wax intaas dhaafsiisan ayaa muuqan lahaa.

 

Labada maamul ee u kala danbeeyey Somaliland mid waliba wuu ka badheedhay duminta gooni isu taaga. Tuur wuxuu tegay Suudaan oo uu kaga dhawaaqay in uu ka noqday gooni isu taagii. Markale intuu ka kacay Masjid Jaamaca Hargaysa ayuu yidhi haddaa doonaysaan in aan Xamar idin geeyo diyaar baan u ahay. Waynu ogayn halkii uu la maray taladiisa oo nasiib daro u noqonaysa in ninkii noqon lahaa jamhuuriyadda aabeheed minjo xaabiyo. Dhinaca Cigaalna waa kii ka badheedhay waraysi uu siiyey Bbcda isagoo leh waxaanu ka midoobaynaa lacagta iyo dhawr qodob oo kale oo uu xusay. Nasiib darro wayn bay ahayd in Cabdi Qaasim oo usoo shaxaad tegay Hargaysa taas oo  magac u noqotay la kulankiisii Cigaal, dabadeedna uu isku dayey in uu inagu karbaasho. Sidoo kale ayaa Ismaacil Cumar Geelana biibiile ka dhigtay qaranimadeena. Jabuuti waxay ahayd jamhuuriyad inaga baaxad yar, dad yar ilaheeda dhaqaalena inaga hooseeyeen isla markaana jabhaddo la dagaalamayeen, sidee bay u dhici kartaa in uu soo hungureeyo qaranimadeena isagoo khiyaamaynaya Cigaal. Sidii uu kan danbe inoogu waramay safarkii uu Jabuuti kaga soo noqday markii loo gogol xaadhayey shirkii Carta wax walba way isku afgarteen ina Cumar Geele. Maxaase ka danbeeyey, somalidu waxay tidhaahdaa ishiisa laga arkaa ushiisa lagu dilaa. Waxaan uga socdaa in Cabdi Qaasim iyo Ismaaciilba ogaayeen halka hogaankeenu ka taagan yahay doonisteena taasina ay keenayso in sidaas laynoo damaaciyo, ka feker iyadoo laga arki lahaa meel marinta qaranimadeena.

 

Aan u soo noqdo Riyaale iyo hanaankiisa oo runtii ka duwan labadii hogaamiye ee ka horeeyey. Dabcan, wanaag iyo dhaliilba wuu leeyahay. Wuxuu soo bandhigay mid ka mid ah sifaha hogaamineed ee qaranimadda lagu horgalo oo ah in uu talada umadda dhegaysto. Waa guul wayn. Madaxweynuhu diblomaasiyiinta soo booqata wuxuu si cad ugu sheegaa doonisteena aqoonsiga taasoo ay soo bandhigto saxaafadda wadanku. Qarankeenu meelaha uu ka liicsanaa waxaa ka mid ahaa garsoorka oo aynu maanta ognahay ololaha dawladdu ku qaaday. Guud ahaan Riyaale wuxuu muujiyey kalsooni uu ku hanankaro bulshada, halkii ay markii hore ka ahayd in siyaasadda loo adeegsado cashuurta. Dhinaca dhaliisha madaxweynuhu sifo guracan ayuu ku tegay Jabuuti waxaanu qaatay go’aan fudaydnimo weheliso. Waayo, Madaxweyne Geele wuxuu u badheedhay habdhaqan garashadiisu liidato oo dhan ka ah doonisteena iyo danta bulshadiisaba. Taasoo macneheedu tahay masuuliyad daro, su’aashu markaas waxay imanaysaa sida uu Riyaale sharafta qaranka ugu aaminay shakhsiyaddaa waa marka aynu leenahay wax hoose kama dhexayn? Arintu si kasta ha ahaatee dhacdadaa masuuliyadeeda samaan iyo xumaanba waxa yeelanaya madaxweyne Kaahin. Berigaas waxa haboonayd in uu wasiiradiisu kala xaajoodaan dawladda Jabuuti arinta xuduuda iyo soo celinta cilaaqaadka. Markaan soo koobo xidhiidhka uu Riyaale la sameeyey Geele wuxuu ka dhigan yahay “timir laf baa ku jirta,”

 

Maadaama aanu dhamaan hawlgalka masuulkani waxaa hubantiya in qiimayntiisu ku aslan tahay sida ay u dhacaan dooroshooyinku. Taasoo ka koobnaanaysa saddex faramood:

In ururka Udub iyo dawladda lakala saaro

In hantida qaranka aan lagu gelin tartanka doorashada. Taas oo lagu xaqiiqsan karo oo qudha in dawladdu albaabka u furto xisaabtan qaran.

In doorashadu noqoto mid dhamays tiran. Waxaan uga jeedaa in hanaankeeda diyaargarow si buuxda looga hawlgalo oo ay dhamaystir yeelato.

Ma xulan karnaa hogaamiye hanan kara doonisteena qaranimo kana duwan tan iyo lixdankii?

Yuusuf Goodir M.

goodir@yahoo.com

Islamabad, Pakistan[A1] 

 

Waa In La Beddelo Nidaam

Nidaamkan Iyo Madaxdiisa Maanta Haysaba

 

 

Waxa kasoo wareegay muddo afar(4) bilood ah xilligii uu Madaxweynihii hore Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal geeriyooday ee uu Madaxweynaha cusub  Daahir Riyaale Kaahin xilka la wareegay. Waxa inna hurran iyada oo aynu ku jirno waqti adag oo xasaasi ah in aynu dib u eegid iyo qiimaynba ku samayno Madaxweynaha cusub iyo maamulkiiso wixii ay ka qabteen guud ahaan xilkii loo igmaday, gaar ahaanna diyaarinta hawlihii ka qabyada ahaa marxaladan kala guurka oo ah u diyaarinta dalka in ay ka dhacaan doorashooyin madaxbanaan  oo xalaal ahi waqtiga loo qorshiyey oo ahyad sababta kowaad ee keentay muddo kordintii sanadka ahayd ka dib markii ay xukuumaddu gabtay xilka isaga ah waqtigii loogu tala galay.

Taasoo ina galisay xiisad weyn oo siyaasadeed oo nabad galyadeenii khatar galisay. Anigoo aaminsan in dalkan iyo dadkiisuba ay maanta u baahanyihiin isbadel dhab ah oo siyaasadeed oo ummadda ka saara dhibaatada iyo dib u dhaca ay muddada dheer ku soo jirtay, isla markaana u horseeda nabad, horumar iyo barwaaqo.Waxa ka kow ah sababaha keeni kara isbadal guud oo isugu jira mid nidaam iyo mid jiilba oo uu hogaaminayo maamul toosan kuna yimaada doorasho xaq ah oo dalka ka dhacda.

 

Waxa aynu wada ognahay in halkii ay xukuumaddu ahamiyadda kowaad ka siin lahayd diyaarinta doorashooyinka iyo u hawlgalkooda, ay isku mashquulisay sidii ay ugu sii dhaganaanlahayd talada iyo xilka ummadda ee ay horeba ugu fashilantay.Taa waxa daliil u ah isga oo ka faiidaysnaaya maamulku bahida ay ummaddu u qabto caddaalad,isbadalka fadhiidka ah ee indha sarcaadka ah ee uu ku sameeyey hay’adaha dawladda sida; garsoorka.Taasoo aynu wada garan karno in ay tahay olole kaambayn oo xukuummaddu (UDUB) ugu tala gashay in ay ku soo jiidato kalsoonida ummadda., ee aaney ahayn isbadal maamul oo dhab ah.

 

Waayo waxa aynu wada garan karna isbadal dhab ah oo toosan oo maamul lagu saxayo in uu ku imaan karo oo kaliya iyado oo laga bilaabo badalka xaga madaxda sare ee awooda leh sida: wasiiradda iyo wixii la hal maala ee aan lagu bilaabin xaakin yar oo maxkamad dagmo amma tuulo jooga awoodiisa siyaasadeedna meel gaadhsiisneyn.

 

Waxaad mooda in uu jaah wareer siyaasadeed ku yimid dhamaan ummadda reer Somaliland, gaar ahaanna ururada siyaasiga ah ee dalka ka jira tan iyo intii ka danbaysay geeridii Madaxwaynihii hore. Waxaad mooda inay iska keen dhex galeen oo aynu kala saari waynay nidaamkii iyo ashkaasta.Taana waxa daliil u ah in aanay axsaabtu haba yaraate ka hadlin, wax ku saabsan doorashooyinka iyo guudahaan siyaasada dalkaba. Hadaba waxa is weydiin leh, maxaa inaga qalooca ee u baahan in la toosiyo?.

Waxa aynu dhaliilayna ee aynu doonayno inaynu badallna maxay tahay? Ma shakhsi maammulkan  jira ka madax ahba? Ma nidaamka wax lagu maamulayaba? Mise waa labadaba (madaxa iyo nidaamka maamulkiisaba)?

 

Haddii aan isku dayo inaan su’aalahan aan ka jawaabo waxay aniga ila tahay anigoo miciinsanaya  falsafadda odhanaysa “nidaam kastaba madaxdiisa iyo dadkiisa ayoo leeyahay” waxa aan qaba inay jawaabto tahay si ayuu u saxno majarahabawgii siyaasadeed ee inagu dhacay 1960kii tan iyo hadana aynu ku jirno ee inna dhaxashiiyey xaaladan adag ee aynu maanta marayno, in aynu baddalno nidaamka iyo madaxdiisa maanta maamulka inoo haysa oo kaso jeeda kunasoo tababartay soona barbaariyeen nidaamadii siyaasadeed ee taxanaha ahaa ee dalka ka soo talinaayey tan iyo 1960kii si ay doonaanba ha ku yimaadaane.  Sida uu isbadalkaasi ku iman karo waxa ka mid ah iskaashi siyaasadeed oo ay yeeshaan ururada la ansixiyey ee u abuurmay in ay ummadda ka badbaadiyaan majaro habawga siyaasdeed si loo rumeeyo himilada shacbi weynaha reer Somaliland. In dadka la wacyi geliyo oo si qeexan loogu faahfaahiyo sida ay xukumadda dalka ka talisa ay xilkii u gabtey.

Axmed Maxamed Aadan

 

Intaan Xuduuda Degmada La Sugin

Horta Xuduuda Daynta Agoonta Ha La Sugo

Wuxuu Madaxweyne ku xigeenku soo galay 29/09/02 magaalada Gebilay oo waayadaa aan lagu arag qof title sare leh oo yimaada intii marxuumka ka dambaysay.

Waxa dadku aad ugu soo baxeen Madaxweyne ku xigeenka oo ah kii horeeyay ee kalidii soo salaamay degmada.

 

Arrintan oo xiisaheeda lahayd ayaa waxaa aanu la kulanay arrin aan dhaliilay arrintasina waxay ahayd mid uu ku eedaysnaa maayarka oo imika laga barako badan yahay, wuxuu maayarka oo ay dadka hore isa soo eedeen furay munaasibadii weftiga iyo reer gebilay, wuxuuna yidhi “nin idman mooyaane dadka kale ee reer gebilay ma hadli karaan” wuxuu intaa raaciyay intuu xaga Madaxweyne xigeenka jaleecay wax doorasho ah oo degmadayada ka dhacaysaa ma jiraan ilaa la sugo xuduuda degmadayada oo Caadu u horeyso.

 

Sida caadiga ahna gabilay waxay leedahay meelo loogu talo galay xafladaha ama meelo lagala hadlo dadka oo fagaareyaal ah, ee waxaa la geeyay weftiga aqal yar oo labaatan qof qaadi karin. Ummaddii kalgacaylka Madaxweyne xigeenka la soo uugaantayna halkaasay ku soo qamaamtay oo loo diray askar garaacda, waxaananu dhaafi weynay meel hal kiiloo mitir u jirta guriga, Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa. Waxay yidhaahdeen Wajaale ayuu ka soo noqonayaa ee suga markii dambena anagoo sidii u tuban ayuu weftigii orod nagu dhaafay. Afkalaqaad weynaa! Kootarabaanistaasina waxay ahayd si aan loo ogaan goldalooda maamulka fadhiidka ah ee degmada ragaadiyay.

 

Soomaalidu waxay tidhaahdaa marka geela loo heeso gorayo ha u heesin, ismashquulintan iyo xuduuda hanoo dambayso ee anaga waxaa margiga nagaga taagan maayarka kaasoo bakhtiistay degmada cimrigana ku dheeraysanaya Caad iyo kolba meel aan loo fadhiyin si aan isaga ceebihiisa loo sheegin.

 

Wuxuu iga haystaa lacag tirsigeedu dhan yahay kow iyo Toban milyan iyo toddoba boqol oo Somaliland ah, oo waliba foojarkeedana layga qaaday cashuurtiisa waxaanan ahay ruux dumar ah oo agoon haysata lacagtaasina waxa la iiga qaaday amaah, aan amaahiyay maamulkii degmada ee waqtigii qadiyadii Qadawga, isla markaasina uu balan qaaday inuu bixiyo laakiin aanu bixinin, laba jeerna wuu I Xidhay, Haddaba , maamulka cusub waxaan marti uga ahay caddaalad ay ku eegaan arrintan laygu xoog sheegtay iyo xoolahaygan laygaga dhacay shaadhka dawladda.

Caasha Muuse (Caasha Baar) Gebilay.

 

WAADIGA CIYAARAHA

Ciyaaryahanadii Ugu

Dambeeyay Ee Ku Biiray Kooxaha Spain

Madrid (Reuters) – Kooxda Athletico Madrid oo ka soo dalacday heerka labaad, kana mid noqotay dhawr naadi oo ciyaartoy la soo wareegay maalintii ugu dambaysay ee dhammaadka sayladda iibka ciyaatogya, waxayna heshiis shan sannadood ah la gashay difaacyahanka Romania ee Cosmin Contra, kadib markii ay AC Milan kagala soo wareegtay heshiis qarsoon.

 

Contra waa ciyaartoygii afraad ee si toos ah AC Milan ugu wareejiso Athletico Madrid sannadkan, waxaana ka horreeyay Jose Mari iyo Javi Moreno oo Isbaanish ah iyo Demetrio Albertini oo Talyaani ah.

Sidoo kale, difaaca Argentiniga ah Fabricio Coloccini, oo amaah ugu ciyaarayay Alaves, balse Milan ka tirsanaa ayaa isna kooxda ku biiray.

Difaaca midig ee Contra oo Alaves ka yimi kalhore, ayaa Spain ku laabtay markii xilli-ciyaareed keliya uu Sansiro joogay.

 

Contra oo ku guulaysan waayay inuu si joogto ah uga mid noqdo kooxda xagga hore ka safata, ayay haddana cidhiidhi ku keentay markii uu dhawaan kooxda ku soo biiray difaacyahanka Croatia, Dario Simic, kadibna uu si buuxda uga xidhay kaalintii awelba cidhiidhiga ku jirtay.

Dhinaca kalena, ciyaaryahanka Real Madrid ee Pedro Munits, ayaa amaah ugu wareegay kooxdiisii hore ee Rasing Santander, sidaana waxaa lagu xaqiijiyay war ay wadajir labada kooxood u soo wada saareen.

Munits, wuxuu ka mid Yahay saddex ciyaartoy oo amaah lagu siiyay kooxda dhawaan ka soo dallacday heerka hoose, waxaa kale oo ka mid ah xiddiga Valencia, Diego Alonso iyo ciyaartoyga dhexda uga ciyaara Flamengo ee Mesias Conceicao.

Kooxda Rayo Vallecano, oo ka mid ah naadiyada heerka koowaad ayaa iyana heshiis la gaadhay ciyaartoyga reer Israel ee khadka dhexe Idan Tal oo Everton u safan jiray. Rayo wax faahfaahin ah kamay bixin heshiiska ciyaartoyga.

 

Waa markii labaad ee Tal ku soo laabto Spain. Wuxuuna u ciyaaray Merida, intii lagu jiray xilli-ciyaareedkii 1999-2000, kahor intii aanu Everton u wareegin.

Wuxuu hore ugu soo ciyaaray kooxaha waddankiisa oo ay ka mid yihiin Maccabi Petach-Tikva iyo Hapoel Tel Aviv

 

Tabobaraha Spain Oo Laba Ciyaartoy Xulka Ku Soo Daray

Madrid (Reuters) – Tabobaraha cusub ee xulka Isbaanishka Inake Saez, ayaa u yeedhay laba ciyaartoy oo cusub oo ka mid noqonaya xulka Sabtida uga qaybgelaya ciyaar ka tirsan is-reebreebka qaramada Yurub 2004, oo ay Greece la yeelanayaan.

Tallaabadani waxay ka dambaysay markii ay tirada ka baxeen difaaca Carles Puyol iyo ciyaartoyga dhexda ee Pablo Orbaiz, oo dhaawacmay.

 

Baalka midig ee Real, Michel Salgado, wuxuu beddelayaa Puyol oo Barcelona u safta. Sidoo kale Fernando Varela oo Real Betis ah, ayaa isna beddelaya Orbaiz, oo Athlico Bilbao ah.

Spain ololaheeda qaybta lixaad ee ay ku jirto ka bilaabaysa Greece, oo ay Athens kula kulmayso. Waxa kale oo ay isku beegan yihiin Ukraine, Northern Ireland iyo Armenia.

 

Salgado wuxuu hore xulka waddankiisa ugu saftay 18 kulan, balse kumuu jirin kooxdii koobka adduunka ka qaybgashay, wuxuuse muujiyay inuu ka soo reeyay marka loo eego xilli-ciyaareedkii hore, kulankii Real Madrid ee koobka Yurub ee (Supre-cup) oo ay Feyenoord kaga adkaadeen ayuu wacdaro ka muujiyay.

Ciyaaryahanka hore uga mid ahaa xulka da’diisu 21 sannadood ka hooseyso Varela oo sida la ogyahay ka mid ahaa xulkii uu gacangta ku hayay tabobarahani, ee dhallinyarada Spain. Isla markaana dedaal weyn ku lahaa casharkii Real Betis Sabtidii Deportivo u dhigtay oo 4-2 ay ku samirsiiyeen kulankii furitaanka ee kooxaha heerka koowaad.

 

Arsenal oo Sabab Dhaqaale U Dhimaysa Mushaharka Ciyaartoygeeda

London (AP) – Kooxda wada-haysata horyaalka iyo FA Cup-ka ee Arsenal, ayaa weyday 22 milyan oo gini oo u dhiganta (US $33.8) milyan oo dhaqaalihii sannadkii tegay ah. Sidaa waxa Isniintii sheegay Maamulka kooxda oo lagu eedeeyay inuu kordhiyay mushahaarka ciyaartoyga.

 

Shirkada ugu weyn ee maalgelisa Arsenal, ayaa tallaabadaa mushahaar kordhinta ku tilmaantay mid lagu majara-habaabinayo hantida ka luntay maalgeliyeyaasha. Dhaqaalihii kalhore soo galay 33 milyan oo gini ama 50.82 milyan oo dollar ayaa ka lumay faa’iidadii kooxdu heshay.

Kharashka lumayna waxaa sababta ugu weyni tahay 20.8 milyan oo gini ama 32.02 oo dollar ayaa lagu kordhiyay mushahaarkii ciyaartoyga ee sanadkii tegay kooxda u yimid sida Sol Campbell, Francis Jeffers, Richard Wright iyo Giovanni Van Bronckhorst.

Arsenal waxay xagaagan bilowday sidii ay khasaaraha u yarayn lahayd.

Waxay sii daysay Wright, waxaa kale oo ay faraha ka qaaday Lee Dixon, Gilles Grimandi, Junichi Inamoto, oo iyana tegay kabtanki muddada dheer ee Arsenal Tony Adams, ayaa isna fadhiistay. Inta markuu xalliyay tabobaraha Arsenal, Weng wuxuu heshiis lagalay saddex ciyaartoy oo kala ah; Gilberto Silva, Pascel Cygan, iyo Rami Shaaban, oo dhammaantood ku kacay 10 milyan oo gini.

 

Waxa kale oo kooxdu bilowday in heshiisyada dambe lagu qiimeeyo oo la gaabiyo ciyaartoyga kooxda koowaad, iyada oo weliba Maamulka qudhiisa la soo koobayo. Tusaale ahaan ciyaartoyga iyo shaqaalaha oo ahaa 71, waxaa laga dhigay 63 dakhliga kooxda ka baxay. Waxaa kale oo ka mid ah lacag 15 milyan oo gini ah, taas oo lagu dhisay garoonka cusub ee Ashburton Grove.

Arsenal waxay isbeddel ku samaysay dakhliga ciyaartoyga muddo 12 bilood gudahood ah. May 31-keedii, waxay kor u gaadhsiisay 90.9-milyan oo gini, iyada oo kor uga soo qaaday 64.6-milyan oo gini, oo markii hore kharash ku ahaa.

Xaqiiqda Phillips-kana waxay ku beegtay inay iskaga bixiso kharashaadka kaadhka cas.

 

 

 

 

 

 

 


 [A1]saadaad