Haatuf, Cadadki 155, Sept.2002
Norway Oo Ka Jawaabtay
Dhaliilo Ay Somaliland U jeedisay
|
Harg (Haatuf):- Wefti ka socda wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway oo booqasho ku jooga Somaliland, ayaa sheegay in dawladda Norway aanay marna taageero gaar ah u haynin kooxda Carta ee Muqdisho, isla markaana cabashada iyo eeda Somaliland u jeedisay Norway ay tahay mid ka dhalatay is-faham la’aan.
Madaxa weftiga Mr. Vebtorn Heines, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway oo u waramay wargeysyada Haatuf iyo toddobaadlaha The Somaliland Times, kulan saacad iyo badh qaatay oo weftigu la yeeshay madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ka jawaabayay dareen ay reer Somaliland ka qaateen dawlada Norway oo iftiiminaya inay taageerto, shirarka caalamiga ahna uga ololayso kooxda Carta ee uu hoggaamiyo C/qaasim, oo loogu yeedho dawladda ku meel-gaadhka ah “TNG”, gaar ahaana dareenkaasi waxa uu si weyn u baahay horraantii sannadkan mar dawladda Norway ay haysay guddoomiyenimada Golaha Ammaanka ee Qaarmada Midoobay, isla markaana uu gololhaasi ka fadhiistay arrinta Somaliya.
Mr. Heines, waxa uu sheegay in mas’uuliyiin door ah oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka Arrimaha Dibedda ay ka wada hadleen arrintaas intii ay booqashadan ku joogeen Somaliland, isla markaana ay u caddeeyeen mawqifka dawladda Norway iyo wixii mad-madow ahaa ee jiray.
“Waxaanu u aragnaa in khalad faham badani dhacay, oo khaasatan ku saabsan warbixintii Madaxweyne ee golaha Ammaanku uu soo saaray,” ayuu yidhi Mr. Heines. Waxa uu intaa ku daray, in dhaliisha loo soo jeediyay ay ku salaysan tahay warbixin Madaxweyne iyo qaraar uu gaadhay Golaha Ammaanku waqtigii Norway ay haystay guddoomiyenimada G/Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
“Meelna kagama jirto warbixinta madaxweynaha ama qaraarka martabad gaar ah oo la siiyay TNG-da (Kooxda Carta), ama aanu anagu ku siinay,” ayuu raaciyay. “Waxaana lagu xusay oo ku jirtay qoraalka in TNG-da iyo kooxaha kale ay leeyihiin maqaam isku mid ah,” ayuu yidhi, isaga oo sheegay in Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirka Arrimaha Dibedduba, ay sidaa ugu caddeeyeen arrinta.
Waxa kale oo ay weftigu ku doodeen in Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 dal, Norway-na ay xubin ka tahay ay khalad tahay in waxa uu soo saaro lagu tilmaamo wax Norway qabto.
Mr. Heines, oo ka warramayay socdaalkooda Somaliland, waxa uu sheegay inuu qayb ka Yahay booqasho ay ku marayaan dalalka Geeska Afrika, oo ay ku dersayaan uguna kuur-gelayaan xaaladda dalkii Somaliya guud ahaan. Waxaana uu sheegay in ay sidoo kale soo mareen dalalka Kenya iyo Itoobiya oo ay wada-hadallo la soo yeesheen madaxda dalalkaas.
Dhinaca kale, war-saxaafadeed uu kulankii madaxweynaha iyo weftiga ka soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdi Idiris Ducaale ayaa sheegay in booqashada weftigu la xidhiidho sidi ay u heli lahaayeen xog ay kaga go’aan qaataan arrinta Somaliya, oo ay la hortagaan golaha Ammaanka oo ay xubin ka tahay Norway. War-saxaafadeedku waxa uu intaa ku daray, in weftigu ay u soo qaddimeen Madaxweynaha in aanay u socon inay Somaliland ku qanciyaan shirka Kenya loogu ballansan Yahay dib-u-heshiisiinta kooxaha Somaliya, laakiin ay doonayaan inay wax ka ogaadaan arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin sida Somaliland ku gaadhay nabadda iyo horumarka, xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka deriska ah.
Mudane Rayaalana, waxa uu ugu horrayn uga warramay weftiga Somaliland iyo taariikhdeeda qaranimadeeda ay la soo noqotay, taas oo uu ku muujinayo in Somaliland ahayd qaran jira midnimadii kahor, shuruudihii aqoonsigana ay buuxisay. “Sidaa awgeed, hore Waxaanu u ahayn Somaliland, haddana waanu nahay, dibna Somaliland ayaanu u ahaan doonaa, sidaa ayaad nagaga war-geynaysaan,” ayuu war-saxaafadeedku ka soo xigtay Md. Rayaale oo la hadlayay weftiga.
Sida war-saxaafadeedku sheegay, Md. Rayaale waxa uu uga jawaabay weftiga arrimihii ay wax ka weydiiyeen, Waxaanu yidhi isaga oo ka jawaabayay xidhiidhka dalalka deriska ah; “Itoobiya wuu wanaagsan Yahay, Jabuutina gidaarkii wuu dumay oo waa la isu socdaa hadda.”
Xubnaha weftiga oo ka jawaabayay su’aal ay weriyeyaashu weydiiyeen oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay barnaamij hore la isula soo qaaday oo ah in aqoonyahanada asalkoodu ka soo jeedo Somaliland ee qaatay dhalashada Norway ama si rasmi ah u deggen sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dhismaha iyo horumarinta dalkooda hooyo, iyaga oo uga faa’iidaynaya aqoontooda iyo xirfaddooda ay soo barteen. Waxa uu sheegay in qorshahaasi jiray, welina uu socdo wada xaajoodkiisu.
Mr. Heines, waxaa ku wehelinayay socdaalkiisa Mr. Tore Hattren, oo ah la-taliye sare oo wasaaradda Khaarajiga ee Norway u qaabilsan arrimaha samofalka iyo Qunsulka arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha u qaabilsan safaaradda ay Norway ku leedahay Addis Ababa. Mr. Gunn Andreas Holm, waxaana xalay casho-sharaf ay hay’adda UNHCR soo qaban-qaabisay loogu qabtay Hotel Ambassador, taas oo ay ka qaybgaleen madax sar-sare oo ka tirsan xukuumadda iyo madaxa UNDP ee Somaliya Mr. Galylard iyo marti-sharaf kale oo badan.
“Magaca Gaal Waxa Ii Bixiyay… Sababta Uu Iigu Bixiyayna….”
Saleebaan Maxamuud Aaden “S/Gaal”
|
“Nin ka mid ah raggii aanu isku kacaanka (xilliga) ahayn ayaa markii u horraysay ii bixiyay naanaysta “Gaal”, sannadkii 1966-kii, laakiin…,” sidaa waxa yidhi siyaasiga Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), oo uu xog-waraysi dheer la yeeshay Muuse Faarax Jaambiir oo Haatuf ka tirsani. Kaas oo qayb ka ah faaqidaad guud oo aanu mid-mid ugu eegaynay xirfadaha iyo taariikhda siyaasadeed ee guddoomiyeyaasha ururada siyaasada Somaliland. Sidaa aawadeed, Waxaanu tirsigan iyo ka ku xigaba ku eegaynaa xirfadda iyo taariikhda siyaasadeed ee siyaasiga Saleebaan Maxamuud Aadan (S-Gaal), oo ah Guddoomiyaha ururka ASAD.
Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), wuxuu ku dhashay gobolka Togdheer sannadkii 1935, sidaa darteed da’diisu hadda waxay madaxa la gashay sannadkii 67aad. Dherer ahaan waa meel dhexaad, jidhkiisu buuxo. Marka laysku geeyo timaha cad ee cirrada ah ee madaxa ilaa gadhkiisa xidhiidhsan, iyo buruudka il-kasoo boodka leh ee wejigiisa, isla markaana lagu daro, hab-dhaca erayada iyo ad-adagayga hannaan-socodka uu tallaabada u qaado, waxa uu u malaynayaa qofka aan aqoonini inuu Yahay nin xidh-xidhan oo aan fur-furnaan badan lahayn. Hase yeeshee, dadka yaqaanaa, waxay yidhaahdaan dabeecaddiisu waxay ku leedahay barasho horteed ha I nicin. Marka laga tago tusmaynta sifahaa kooban, Saleebaan-Gaal wuxuu waxbarashada aas-aasiga ah qaatay 1947 ilaa 1954. waxbarashada dugsiga sarena sannadihii 1954 ilaa 1958. intaa dabadeed, wuxuu Saleebaan waxbarasho u tegay dalka Ingiriiska, Waxaanu galay Jaamacadda Leeds University, taas oo uu ku jiray 1958 ilaa 1963, sidaana wuxuu ku qaatay digriiga (BA-History).
Markii uu ka soo qalin-jebiyay Jaamacaddaas, dabadeed wuxuu Saleebaan Maxamuud ka hawlgalay wasaaradda waxbarashada, Waxaanu 1964 noqday macallin dugsiyada sare wax ka dhiga. 6 sannadood markii uu macallin ahaana wuxuu sannadkii 1970 u gudbay maamule dugsi sare, Waxaanu maamule ka noqday dugsigii sare ee Banaadir oo ku yaaala magaalada Muqdisho, kaas oo uu maamule ka ahaa ilaa sanadkii 1972. kadib waxaa loo magacaabay Agaasimaha xafiiskii Manaahijta oo waxbarashada ubucdeeda ahaa. Bilowgii 1975-na wuxuu u dallacay jagada Agaasimaha Guud ee wasaaraddii waxbarashada. “Bilowgii 75-kii ayaan noqday Agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada. Waqtigaa, Waxaanu dhammaynay dejinta barnaamijkii Af-Soomaaliyaynta, markaa markii aan dejiyay manhajkii iyo buugaagtii, ayaa laygu yidhi Agaasime guud noqo oo fulli, jagadaana waxaan hayay ilaa 1980,” sidaa waxa yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Sida xirfaddiisaa shaqo ee hore tilmaamayso, way badan yihiin dadkii uu macallinka u noqday intii uu ku shaqaynayay mihnaddiisaa hore ee dhinaca waxbarashada, taas oo la rumaysan Yahay inuu ku lahaa magac iyo maamuus qiimayntiisa lahaa waqtigaas, ilaa haddana waxa laga yaabaa inay xusuustaan dadkii uu soo maray. Hase yeeshee, Saleebaan-Gaal, markii dambe wuxuu fuulay sallaanka siyaasadda.
Kahor inta aynaan guda-gelin faaqidaada sidii uu siyaasada ku soo galay iyo taxanaheeda, bal aan marka hore is-weydiino sababta Saleebaan Maxamuud, loogu bixiyay naanaysta “Gaal”, taas oo uu hor-dhaca qormadan bilowga u ahayd ku caddeeyay Saleebaan inuu u bixiyay nin ay isku ged ahaayeen oo ay dhalinyarnimadiisii saaxiib ahaayeen.
Guddoomiyaha ururka ASAD, isaga oo ka jawaabaya su’aal aan arrintaas ka weydiiyay wuxuu yidhi; “Wallaahi nin ka mid ahaa raggii aanu isku kacaanka ahayn ayaa ii bixiyay naanaystan sanadkii 1966. waxa jirtay waqtigaa fikrad khaldan oo ahayd Gaalada ayuun baa runta sheegta, sidaa aawadeed ayuu ii yidhi, waar wuxu ma gaal b aa miyaanu marna wax mudaahanaynayn.” Sida laga dhadhansan karo weedhahaa, wuxuu Saleebaan muujiyay in naanaystu ugu baxday hadal caddaan aan war-wareeg ku jirin oo uu leeyahay.
“Markii hore may tis-qaadin naanaystani, laakiin 1972, markii aan Xallane galay, ee aanu dhallin-yaradii badnayd isu tagnay, bay noqotay inaan u muuqdo sidii nin geel hortii jooga, markaas ayuu dabadeed tis-qaaday magacu. Ninkii iibixiyayna qoomameeyoo, beri dambe ayuu igu yidhi inaadeerow xajka tag, anigu aan kharashka kaa bixiyee, si uu dembigu iiga hadho,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha ASAD.
Ka sokow taas, Saleebaan Maxamuud, waxa u dhaxday Affo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Ingiriiska.
Si kastaba ha loo dhigee, naanaystani waxay noqotay mid caan ah oo uu ku caano-maalay Saleebaan-Gaal, sida ay rag kale oo badan oo siyaasiyiin ahiba u leeyihiin naanayso caan-baxay oo loo yaqaano, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah oo wax dhintay iyo wax noolba leh ay muddo dheer Saleebaan wada-shaqayn jireen. Mar aan wax ka weydiiyay Saleebaan bal inay kaftan-wadaag ahaayeen Maxamed Siyaad Barre, oo isaga laftiisu lahaa naanays caan ah, balse aan kor loogu dhawaaqi jirin, intii uu talada hayay. Wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi; “Maalin buu shirweyne iga magac-dhebay, isaga oo doonayay inaan markhaati u furo, oo uu yidhi, waar Salebaan-Gaalloow miyaanay sidaa ahayn? Markaa anigoo ka cararaya inaan markhaatiga u furo, ayaan ku idhi, waar nin waliba naanays lehe…, dabadeedna markaasuu igu yidhi waar aniga tayda kor looma qaado-e miyaanay sidaa ahayn……”
La soco qayb kale oo xiiso badan cadadka dambe.
Ganacsade Boore Oo Lagu Xayiray Dekedda Berbera
|
Berbera (Haatuf):Shixnada sigaar ah oo uu leeyahay ganacsadaha Reer-Jabuuti ee C/raxmaan Boore ayaa ku xayiran dekedda Berbera, waxaana sigaarkaa xayirtay wasaaradda maaliyadda, iyadoo uu warku sheegay inay wasaaradda maaliyadda dawladda Somaliland amar ka soo saartay noocyada sigaarka ee kala ah: London iyo Burrus & Sons, taas oo ay wasaaradda maaliyaddu amartay in sigaarada noocaas ah loo cashuuro karo keliya ganacsadaha la yidhaahdo Ina-Aw Siciid, laakiin aan loo cashuuro karin shirkadda RED SEA CENTRAL oo uu leeyahay ganacsade Boore.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera, C/raxmaan X. Daahir, lixdii bishan aynu ku jirno ee Ogost ayey dekedda Berbera soo gaadhay shixnada sigaar ah oo ku jirta laba kontaynar, sigaarkaas oo ah nooca la yidhaahdo London waxa keentay shirkadda RED SEA CENTRAL, laakiin markii ay hawl-wadeenada shirkadaasi u diyaar garoobeen inay cashuurtaan sigaarkooda ayaa lagu war geliyey inaan laga qabanayn cashuurta, taas oo ay hawl-wadeeanada Kastamku u sheegeen shirkadaa in lagu soo amray inaan sigaarada London iyo Burrus & Sons loo cashuuro karin cid aan ahayn ganacsade Ina-Aw-Siciid, laakiin aan loo cashuuro karin shirkadda RED SEA CENTRAL ee ganacsade C/raxmaan Boore. “Arintan anagu hore ugama aanu war qabin, waxayna nagu noqotay fejeciso iyo lama filaan”,sidaa waxa yidhi mid ka mid ah saraakiisha shirkadda Red Sea Centaral oo uu weriyahayagu arintaa wax ka waydiiyey, wuxuuna sarkaalkaasi intaa ku daray inaan arintaa hore looga siin wax ogaysiin ah.
Maamulaha kastamka Berbera, Axmed C/laahi Oomaar ayaa u sheegay weriyaha Haatuf ee Berbera inuu amarka sigaarkaa lagu xayiray ka soo baxay wasiirka maaliyadda. Sidoo kale taliyaha ilaalada cashuuraha Berbera, Maxamed Cilmi ayaa isna weriyahayaga u xaqiijiyey inay soo gaadhay waraaq qoraal ah oo amraysa inaan noocyadaa sigaarka ah loo cashuuro karin shirkadda Red Sea Central ee ganacsade C/raxmaan Boore, balse loo cashuuri karo ganacsade Ina-aw-Siciid.
Noocyada sigaarka ah ee la kala yidhaahdo London iyo Burrus & Sons waxa hore u keeni jirtey ganacsade Ina-aw-Siciid, laakiin waxa la sheegay inuu dhowaan la wareegay ganacsade C/raxmaan Boore, wuxuuna shixnaddan ka hor dekedda Berbera ka soo dejiyey shixnad sigaar ah oo noocyadaas ah, waqtigaas oo ahaa horaantii bishii ina dhaaftay ee Ogost, waxayna shixnadaa loo cashuuray si caadi ah.
Ganacsade Boore waxa kal hore lagaga gubay magaalada Berbera shixnad sigaar ah oo qiimaheeda lagu qiyaasay ilaa 800,000 U.S-dollar ah, iyadoo uu xiligaa dalka ka talinayey madaxweynihii geeriyooday marxuum: Maxamed X. Ibraahin Cigaal, laakiin waxa ganacsade Boore ganacsigiisa sigaarka si caadi ah dib uga bilaabay Somaliland, ka dib markii ay dhowaan labada madaxweyne ee Somaliland iyo Jabuuti heshiis ka gaadheen khilaafaad mudada ka dhex-oognaa labada dawladood, iyadoo heshiiskaasi sababay in ruqsadii ganacsi ee ay dawladda Somaliland hore uga qaaday ganacsade C/raxmaan Boore dib ugu celiso.
Dhinaca kalena ma jiraan wax warar ah oo arintaa ku saabsan oo ilaa hadda ka soo baxay dhinacyada ay arintani khusayso.
|
Hargeysa (Haatuf): “Waxaan xusuusinayaa Xubnaha ururka SAHAN in shirkii lagu qabtay Huteelka Bile ee magaalada Hargeysa aanu ahayn shir ay madaxda SAHAN la socotey” sidaa waxa yidhi Maxamed Cumr-jiir oo sheegay inuu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee ururka SAHAN, isaga ka jawaabaya kooxo ururka SAHAN ah oo hore u sheegay inay ka qaadeen xilkii gudoomiye-nimo ee ururka SAHAN, isla markaana shir ay doraad kooxo ururka SAHAN ahi ku qabteen huteelka Bile ee magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen inay gudoomiyaha iyo musharaxa ururka SAHAN u doorteen Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Hase yeeshee Maxamed Cumar Jiir taa waxa uu ku tilmaamay sharci daro, wuxuuna shirkaa ku tilmaamay inuu ahaa mid aan loo dhamayn oo ay ku kulmeen dhinac ururka ka mid ah, isla markaana waxa uu Maxamed Cumar ku baaqay in la qabto shirweynihii ururka.
Arimahaana waxa uu professor: Maxamed Cumar-jiir kaga hadlay qoraal uu saxaafadda ugu talo galay oo uu xalay fiidkii soo gaadhsiiyey wargeyska Haatuf, isaga daba socda shirkii ururka SAHAN ku saabsanaa ee doraad dhacay huteelka Bile iyo khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta ururka, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay “Gudoomiyaha SAHAN wuxuu xusuusinayaa Xubnaha ururka SAHAN in shirkii lagu qabtay huteelka Bile ee magaalada Hargeysa aanu ahayn mid ay madaxda ururku la socotey, isla markaasna wuxuu shirkaasi ahaa mid dhinac ah, sida uu madaxii ka qaybgalayaasha shirkaasiba sheegay.
Sida uu distoorka ururku sheegayo madaxda iyo musharaxa ururka waxa doorran kara shirweyne Xubnaha xisbigu isugu yimaadaan wixii intaa dhaafsiisanina waa wax dhinac marsan distoorka ururka, sharci ahaana lama aqoonsan karo. Laakiin waxaan mar kale ragga qaarkii xusuusinayaa in cadhada iyo wax la kala cararka iyo kala qoqobka dadka walaalaha ah aanu nin hunguri siyaasadeed lihi ku guulaysanayn taa, mujtamacana waa in taa laga daayo.
Xisbigu waa sidiisii, waana inay Xubnaha ururku si dhakhso ah isugu yimaadaan, isla markaana waa in shirweynihii ururka si degdeg ah loo qabto, ninkii damac siyaasadeed lihina uu shirweynaha isku soo bandhigo hadii aanay kalsooni daro hayn”ayuu yidhi Maxamed Cumar. Hase yeeshee Professor. Maxamed Cumar mar aanu waydiinay sida uu u arko war ka soo baxay ragga ururkiisa ka tirsan ee shirkii ay ku yeesheen huteelka Bile ku sheegay inay doorteen madax cusub iyo musharaxa ururka SAHAN wuxuu ku jawaabay “Dhismihii hore ee ururka iyo madaxdiisu sharciyan sidii bay u taagan yihiin ilaa inta lagu bedelayo shirweyne ururku yeesho, shirweynahaasna waxaanu filaynaa inuu dhakhso u dhaco”.
Kooxaha ururka SAHAN ee shirka ku qabtay huteelka Bile waxay ku cel-celiyeen inay, iyagu yihiin aqlabiyaddii golaha dhexe ee ururka SAHAN, kooxa kalena ay yihiin xubno tiro yar, laakiin Professor: Maxamed Cumar Jiir oo aanu su’aashaa waydiinay wuxuu ku jawaabay “Sharciyan aqlabiyadda lama diidana, laakiin waxa lagu dhaqmayaa waa wax ka baxsan sharciyaddii ururka iyo awoodii uu distoorka ururku siiyey golaha dhexe”.
UDUB Oo Berbera Ka Bilaabay Diiwaan Gelinta Musharxiinta Golaha Deegaanka Iyo Taageerayaashooda
|
Berbera (Haatuf): Ururka UDUB ee ay dawladdu samaysatay ayaa ka bilaabay magaalada Berbera diiwaan gelinta Musharixiinta Golaha deegaanka iyo taageerayaashooda kaasoo ka socda xafiiska ururka UDUB uu ku leeyahay Berbera.
Sida uu noogu soo waramay wariyaha Haatuf ee magaalada Berbera C/Raxmaan X. Daahir waxa xafiiska UDUB ee Berbera laga bixiyay maalmahan foom loogu talo galay inay buuxiyaan musharixiinta u tartamaya Golaha deegaanka Berbera, foomamkaasina waxa ilaa hadda qaatay dhawr iyo konton qof, waxa iyaduna taa barbar socota diiwaan gelinta taageerayaasha musharixiinta iyadoo musharixiiba laga doonaayo ilaa 50 qof oo taageerayaal ah, sida uu wariyaha u sheegay Gudoomiyaha laanta ururka UDUB uu ku leeyahay Berbera. Golaha deegaanka ee Berbera oo ka kooban 21 qof waxa musharixiinta isdiiwaan geliyay ee ururka UDUB ugu qayb qaadanaya tartanka doorashooyinka ka mid ah Gudoomiyaha gobolka Saaxil ahna Duqa Berbera Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne) iyo ku xigeenkiisa C/Raxmaan Yuusuf Badheedhe.
Mar uu wariyaha Berbera weydiiyay gudoomiye ku xigeenka Saaxil sida ay suurta gal u tahay inay UDUB iska sharaxaan iyaga oo haya xilal dawladeed ayaa ka gaabsaday inuu jawaab buuxda ka bixiyo balse waxa uu si kooban u yidhi “anaga laftayada ayaa u baahan xog dheeraad ah marka aanu la xidhiidhno xaga naga saraysa ayaanu saxaafada siin doonaa war faahfaahsan” sida uu dhigayo qodoka 8aad ee xeerka doorashooyinku, masuuliyiinta dawladda iyo Madaxda Ciidanka Qaranka ee xilal ka hayaa isuma sharaxi karaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka.
Xabsigii Mija-Caseeye Oo Loo Dhisayo Carruurta
|
Harg (Haatuf):- Wasiirka Cadaaladda Somaliland Md. Cabdul-xamiid Garaad Jaamac, ayaa soo dhaweeyay dedaal ay bilaabeen haween is xil-qaamay oo ku wajahan sidii xabsiga minjo-caseeye loo dayac-tiri lahaa, loogana dhigi lahaa xabsi carruurta uun u gaar ah.
Wasiirka Cadaaladda oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay koox haween ah oo iyagu hormood u ah abaabulka dhismaha jeelkaas, waxa uu sheegay in xukuumadda intii karaankeeda ah aanay waxba kala hadhi doonin dhismaha iyo dayac-tirka xabsiga Minjo-caseeye oo sida la sheegay la dhisay xilligii Ingirisku dalka maamulayay sannadkii 1942-kii, waxaana uu garowsaday baahida aas-aasiga ah ee ay dareemeen haweenku in loo qabo xabsi u gaar ah carruurta.
Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ah haweenka hawshan soo abaabulay, kana tirsan hawlwadeenada xafiiska xuquuqal insaanka ee Hargeisa, ayaa iyaduna ka warrantay muhiimadda xabsigaas iyo dhibta carruurta yar-yari ay kala kulmaan xabsiga dadka waaweyn lagu xidho marka waalidkood ay u xidhaan dhaqan-celin ama ay dembi galaan, halkaasi oo ay sheegtay inay basar-xumo kale kasoo bartaan. Faadumo waxa ay sheegtay, in jeelkaa lagu dhisayo qaadhaan iyo mutadawacnimo.
Maxaa Keena Is-Maandhaafka Wasiirada Iyo Hayadaha Samafalka Caalamiga Ah?
Faallo – Cumar Daahir Cumar
|
Jawiga aqoonsi la’aanta ee ay Somaliland ku sugan tahay ilaa iyo 1991-kii ayaa hayadaha qaramada midoobay iyo kuwa kale ee loo yaqaan INGO’s ka dhigay kuwa muhim ah oo u dhigma xidhiidhada caalamiga ah ee u dhexeeya dalalka, iyadoo ay hayadaha INGO’s-ka mid waliba leedahay dal saldhig u ah oo ay ku abtirsato, waxayna intooda badan ku abtirsadaan Yurub iyo Ameerika.
Masuuliyiinta dawladda Somaliland ee la xidhiidha hayadahaa iyo madaxdooda ayaa waxa mararka qaarkood ka dhex-abuurma ismaandhaaf iyo khilaaf mararka qaarkii sababa in shaqadii ay hayadaasi waday istaagto ama ninka hayadaa ka madaxda ah uu ku yimaado amar waxyeelo u geysta shaqadiisa iyo shaqada hayadiisaba.
Inta badan wasiirada ama madaxda kale ee la xidhiidha hayadaha samafalka caalamiga ah hadii uu khilaaf soo if baxo waxay masuuliyiintaasi ku doodaan inay, iyaga iyo hayadahu isku haystaan arin ku saabsan danta guud ee ummadda dalka degan, laakiin inta badan khilaafku wuu ka duwan yahay sidaa, wuxuuna ku salaysan yahay dano gaar ah oo uu ninka wasiirka ah ama ninka kale ee madaxda ahi doonayo inuu fushado, taas oo ay jiraan qoddobo ay wasiirada Somaliland ee hayadaha la xidhiidhaan muhimadda siiyaan, iyaga oo marka ay akhriyayaan nuqul-qorsheed oo ay hayad caalami ahi u soo gud-bisay si ay qaybtooda u qaataan daraasadda mashruucaasi bal sida ay fulintiisu ugu haboon tahay dalka ay madaxda ka yihiin, laakiin waxa dhacda in wasiirka Somaliland ee hayad khusaysa la xidhiidhaan inuu inta badan muhimadda siiyo dano gaar ah, sida imisa shaqaale ah ayey qaadanaysaa, waa imisa lacagta mashruucu, guryo ma kiraysanaysaa iyo waxyaalo la mid ah, wuxuuna wasiirkaasi halku-dheg ka dhigtaan hayadani maadaama ay wasaaradayda la shaqaynayso cid aanan ogayn oo shaqaale ah ma qaadan karto ama wax kasta oo ay qaadanayso waa inaan wax ka ogahay, hadii kale baataashuuf, taasina waxay keeni kartaa inay madaxda hayaduhuna dhinacooda ninka wasiirka ah ama wasiirada u fududeeyaan rabitaankooda gaarka ah si ay uga helaan saxeexa kaga xidhan ee mashaariicda ay doonayaan inay fuliyaan.
Marka arimahaa laga hadlayno waxa la xusi karaa ama tusaale loo qaadan karaa khilaafkii ka dhex-aloosmay madaxii hore ee xafiiska UNHCR, Hargeysa, Antony Verway iyo masuuliyiinta sar-sare ee wasaaradda dib-u dejinta Somaliland, khilaafkaas oo la rumaysan yahay inuu sababay in Antony Verway laga bedelo Somaliland. Hase yeeshee ma cadayn waxa uu khilaafkaasi ku salaysnaa, waxayse dad badan oo u dhuun-daloola arimahaasi rumaysan yihiin inaanu xafiiska UNHCR ee Hargeysa hadda lahayn madax banaanidii iyo tayadii wax qabad ee uu lahaa xiligii Antony Verway, waxayna dadka arimaha hayadaha wax ka ogi farta ku fiiqaan musuq-maasuq si weyn u saameeyey adeegyada iyo mashaariicda hayadaha samafalka caalamiga ah, laakiin waxa la sheegaa inuu musuq-maasuqa ugu badani ka yimaado Wasaaradaha oo ku dooda ama yidhaahda anaga ayaa soo xulayna hayadaha (NGO) wadaniga ah ee fulinaya mashaariicda ay hayadaha samafalka caalamiga ahi bixinayaan. Arintaasina waxay keentay inay samaysmaan NGO-yo tirada badan oo wadaniya oo isku hallaynaya wasiirka kursiga ku fadhiya si uu ugu naas-nuujiyo mashaariicda ay hayaduhu bixinayaan , halkii laga qiimayn lahaa wax qabadka NGO-ga, waxayse sida hadda loo dhaqmaa qayb ka tahay tayo la’aanta ku dhacda mashaariic badan.
Runtii wax qabadka dib-udhiska dalka ee goobaha danta guud, sida iskuulada iyo dhakhtarada waxa inta badan lagu dhisay deeqda ay bixiyaan hayadaha samafalka caalamiga ah ee Somaliland wax siiya, iyadoo ay inta badan mashaariicda dib-udhiska fuliyaan hayado wadani ahi, laakiin barnaamijyo oo la xidhiidha dhinacyada horumarinta iyo dib-udhiska ayaa u baahan in iskaashi wax ku ool ah lala sameeyo hayadaha qaramada midoobay, waxaana qurux badnaan lahayd in marka uu khilaaf soo baxo aanu hogaanka sare ee dalku rumaysan keliya dhinaca wasiirka ee ay jirto ama la helo cid dhexe oo soo cadaysa xaqiiqda waxa la isku haysto, taas oo ah in la kala cadeeyo in waxa uu wasiirku hay’adda ku haystaa inay tahay musuq-maasuq iyo dano gaar ah iyo inay tahay masaaliix ummaddu leedahay.
Hadii ay hayadaha samafalka caalamiga ahi war musuq-maasuq oo laga sheegay Somaliland si fudud u rumaystaan dabcan waxa la is odhan karaa hayadaha samafalku waxay musuq-maasuqa ku og yihiin hayadaha xukuumadda ee ay hawlaha kala xidhiidhaan ama ay wada shaqayntu ka dhexayso.
Hayadaha UNHCR, UNDP, SCF, MSF, OXFORM, UNICEF iyo qaar kale oo badani waa hayado wax badan taray dadka Reer-Somaliland xiliyadii ay qaxeen, kuwaas oo markii ay ku soo laabteen dhulkoodii ay ka barakaceen wax badan oo la xidhiidha adeegyada aasaasiga ah iyo nolosha bulshada la qabtay. Sidaa awgeed daw miyey noqon kartaa in wasiir ku xaragoonaya ama sida uu doono ugu tagri falaya hanti laga soo ururiyey hooyada xabadaha yaanyada ah iyo caagadda saliidda ah suuqa ku iibinaysa oo goor walba u miyir la’ inuu musuq-maasuq wax ku helo in looga eexdo ama lagu eego hayad ajnebi ah oo uga wax tar badan ummadda uu masuuliyadeeda dumadda ku qaaday.
Si kastaba wax haw jireene arintan sixideeda iyo toosinteeda wixii ka khal-dan waa xil u yaal hogaanka sare ee Somaliland, iyadoo loo baahan yahay inaan istaraatijiyadda wax qabad ee hayadaha samafalka caalamiga ah lagu eegin wasiir ay ku filan tahay waxoogaa yar oo uu hay’adda ka dilaalo, hadii ay dilaalkaa u ogolaan waydana ka shaqaynaya inuu meesha ka saaro masuulka hayadaa ee cadkiisa hor taagan.
|
Gar-adag (Haatuf): Degmada Gar-adag oo ka tirsan gobolka Sanaag, inkasta oo ay u muuqato meel dhisantay, haddana waxa ka jira duruufo dhinacyo badan leh.
Weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel Shire oo Sabtidii toddobadkan booqday degmada
Gar-adag ayaa warbixin nooga soo diray xaaladda degmadaa. Wuxuuna weriyuhu warbixintiisa ku bilaabay:
“2500—3000 qof ayaa lagu qiyaasi karaa dadka ku nool magaalada Gar-adag, laakiin goobo caafimaad. Sida Cusbataal, MCH iyo wixii la mid ah oo shaqeeyaa, waxaase jooga shaqaale door ah oo caafimaad.
“Hadii dadka loo sameeyo goobo caafimaad waxaanu ug shaqayn lahayn tabaruc, waayo waa ummadayadii”sidaa waxa tidhi Badriya Saleebaan Muuse oo ah kal-kaaliye sare oo caafiimaad oo ku nool magaalada Gar-adag, waxaana guud ahaan degaamada kale ee ka baxsan magaala-madaxda ka jira baahi weyn oo caafimaad. Hase yeeshee marka laga yimaado dhinaca caafimaadka waxa magaaladaa wax ka bartaa ilaa 350 arday oo isugu jira dugsiga hoose ilaa dugsi sare, laakiin ardayda kuma filna goobaha Waxbarashadu, iyadoo ay qayb iskuulka ka mid ahi dunsan tahay. “Baahida hadda noogu darrani waa ardayda oo aanay ku filayn fasaladu, waxaana na baahi tiri lahaa hadda iskuulkaa dunsan oo naloo dhiso”sidaa waxa yidhi gudoomiyaha waxbarashada degmada Gar-adag, Siciid Ducaale oo aanu la kulmay.
Magaaladu waxay biyaha ka cabtaa ceel gacmeed ay dadku ka dhaansadaan.
Inkasta oo ay masuuliyiinta sar-sare ee degmada, sida Maayarka aan meesha tegay, iyaga oo ka maqan , haddana waxaan la kulmay taliyaha saldhigga booliska degmada Gar-adag, Maxamed Yuusuf Shire, wuxuuna taliyuhu ii sheegay inuu booliskiisu yahay 18 askari, isla markaana ay degmadaa hoos yimaadaan ilaa 12 tuulo, sidaa awgeed aanay awoodda booliskiisu dhaafi karayn gudaha magaalada Gar-adag, taas oo aanay boolisku waxba ugu jillayn tuulooyinka ka baxsan magaalo madaxda degmada. “Ma lihin wax gaadiid, ma lihin saldhig boolis oo noo gaar ah iyo meel aanu qofka dembiga gala ku xidhno toona , meesha aanu ku jirno oo ah hanuunintii hore ee magaalada waxa nagula jira maxkamadda degmada iyo dhawr hayadood oo kale”ayuu yidhi taliyaha saldhigga booliska Gar-adag, laakiin waxa uu ka mahad sheegtay dadweynaha oo uu yidhi “Waxa si wanaagsan noola shaqeeya dadweyanaha oo ah dad nabadda jecel”.
Duruufaha kale ee degaanka Gar-adag ka muuqday waxa ka mid ahaa xoolaha oo aad u jilicsanaa, taas oo ay ugu wacan tahay jiilaal iyo abaar ba’an oo riq-riqay, laakiin roobabkii dayrta ayaa hadda ka curtay meelo ka mid ah degaamada Gar-adag.
Dhinaca kale waxa magaalada Gar-adag ka muuqday xafiisyo ay kala sudhan yihiin labada urur ee UDUB iyo KULMIYE. Laakiin maan arag urur kale oo uu xafiis uga furan yahay magaalada.
Al-Qaacida Iyo
Ku-Talo-Galkii 11 September
|
Qorshaha Al-Qaacida ku talogalkiisu wuxuu ahaa inay ku duulaan diyaarado lagu duqeeyo meelo ku shaqeeya quwada Nuyukleerka, halka lagu duqeeyay xaruntii ganacsiga iyo guriga Pentagon ee Gaashaan-dhiga Maraykanka. Sidaa waxa sheegay weriye joornaal oo ka hawlgala idaacadda la iska arko ee Al-Jazeera – dalka Qatar.
Weriyaha Carabka ah oo lagu magacaabo Yosri Al-fouda, oo ay hadalladiisa soo xigteen jaraa’idka Yurub, wuxuu sheegay in uu weraysi kala yeeshay taageerayaasha Usama bin Laden, sidii ay u qorshaysteen weerarkii 11 September, isaga oo sheegay inuu la kulmay oo uu waraystay Khaalid Sheekh Maxamed iyo Ramzi Binalshibi, aanay u sheegeen in go’aankoodu ahaa inay weeraraan wershadaha Nuclear-ka. Labada nin ee uu magacaabay Mr. Yosri, waxay ugu horreeyaan liiska baafinta FBI ee ragga ku eedaysan falkii 11 September, iyada oo qofkii soo sheega ay FBI ugu ballan-qaaday 23 milyan oo dollar.
Hay’adda dembi-baadhista Maraykanka ee FBI, ayaa ku warrantay in Khaalid Sheekh Maxamed, ahaa kabtan fure u ah hawlgallada Osama bin Laden, halka Ramzi uu ka mid ahaa rag guri la degganaa Maxamed Atta, ninkii lagu eedeeyay inuu ku noolaa Hamburg – Germany, oo ah ninka madaxda ka ahaa hawlgalkii 11 September.
Yosri Fouda, oo ka warramayay sida uu ku helay warkan, ayaa sheegay in si hoos ahaana uu ugu dhuuntay Pakistan oo la qariyay, laba maalmoodna lagu tusay sidii ay u dejiyeen qorshahooda hawlgalka Al-Qaacida ay ku qaadeen New York iyo Washington, 11 September 2001-kii.
Warkani wuxuu intaa ku daray in guddi millatari oo Al-Qaacida ka tirsani ay sameeyeen qorshaha weeraro laga dhex-fuliyo Maryakanka gudihiisa sannadkii 1999, xilligaas oo uu Maxamed Atta uu isagu ka soo ururiyay af-duubayaashii diyaaradaha isla sannadkaa dalka Afgaanistaan.
Af-duubayaashii diyaaradihii lagu fuliyay qaraxii 11-September, waxaa tabobartay qaybta Is-biimaynta ee Al-Qaacida.
Warkani wuxuu kaloo ku warramay in ninka la yidhaa Ramza Binal Shibi, ay u qorsheysnayd in uu ka mid noqdo Af-duubayaashii diyaaradihii wax lagu duqeeyay, laakiin loo diiday Ruqsadda (VISA) lagu galo dalka Maraykanka, sidaana uu kaga hadhay.
Warbixintan weriyaha telefishanka Al-Jazeera, waxay intaa ku dartay in Maxamed Atta uu bar-tilmaameed ka siiyay kooxdiisa 29 August 2001.
Laba maalmood oo uu waraysiyo qaadayay kadib, wuxuu sheegay Mr. Fouda in laga reebay cajaladdii fiidyawga ahayd, si looga masaxo wejiyada Khaalid iyo Ramzi, laakiin aan loo keenin cajaladdii sidii lagu ballamay.
8 Sabtembar Maalinta Qoraalka Afafka Ee Aduunka Iyo Somaliland
|
8 Sabtembar oo ku beegnayd shalay waa maalin dunida looga aqoonsan yahay inay tahay maalinta taageeridda iyo kor u qaadidda barashada qoraalka iyo akhriska afafka dunida, sidaa darteed waa arin mudan in la xuso oo hoos loo eego heerka ay wax qorista iyo wax akhriska ka marayaan dadka Reer-Somaliland, lana tilmaamo kordhinta tirada dadweynaha baratay inay ugu yaraan Af-somaliga wax qorto, waxna akhrido.
Run ahaantii tiro badan oo ka mid ah da’yarta Reer-Somaliland ee ku nool meelaha miyiga ah iyo degaamada xoola-dhaqatada ah iyo degaamada beeraleyda ah ayaan xiligoodii fursad u helin inay goobaha ama dugsiyada waxbarashada tagaan si ay u noqdaan, kuwa waxna qora, waxna akhriya, iyadoo ay arintaasi saamaynta ugu ba’aan ku samaysay hablaha oo aanay qoysaska Reer-miyiga ahi dhinacoodaba eegin marka laga hadlayo waxbarshada ubadka.
Tuulooyinka Somaliland ayaa, iyaguna ah meelaha ay Waxbarashadu aad u liidato sababo jira awgeed, taas oo tuulooyinka laga dhiso iskuulada ay intooda badan saamayso xaalada dhaqaale oo keenta inuu yaraado ama la waayo joogitaanka macalinka, iyadoo ay taa ugu wacan tahay dakhliga soo gala macalinka oo u saamixi waaya inuu tuuladii joogo.
Dadka Beeraleyda ah ee Reer-Somaliland waxay u badan yihiin, dadka xili roobaadka wax ku beerta, kuwaas oo xiliyada qaarkood u guuura dhinaca xoolaha, taas oo ay dhib badan tahay sida ay u kala noolaadaan qoyska iyo ardaydu, sidaa darteed waxay duruufta noocaas ahi muuijnaysaa inay iskuulada hoyga loo yaqaan (Boarding Scools) yihiin, kuwa ku haboon inay wax ka bartaan ardayda ay qoysaskoodu Reer-miyiga yihiin, iyadoo dhinaca kalena marka taa la barbar dhigo Dugsiyada hadda laga dhiso tuulooyinka ay yihiin, kuwa ay aad u liidato sahamintooda iyo qorshahooda la xidhiidha joogtaynta waxbarasho ee loogu talo galay oo ah wax aan u shaqayn sidii loogu talo galay.
Marka la eego waxbarashada dadka waaweyn ee xiliyadii hore waxay waxbarashada dadka waaweyni habeenkii iyo waqtiyo kaleba ka socon jirtey goobaha waxbarashada, laakiin hadda uma socoto sidii ku haboonayd marka loo eego tirada dadweynaha ku nool magaalooyinka oo aad u korodhay.
Dhaqaale-xumada qoysas fara badan oo ku nool magaalooyinka ayaa mararka qaarkood sababa inaan waxbarashada hablaha xoog la saarin.
Guud ahaan xoojinta iyo kor u qaadista waxbarashada dadka waaweyn iyo dhamaan dadka Reer-miyiga ah ee Somaliland ayaa u muuqata halka uu kor uga kici karo heerka tirada dadka wax qora, waxna akhriya. Sidoo kale joogtaynta tirada iyo tayeynta macalimiinta iyo weliba qorshe haboon oo loo sameeyo sida ay uga hawl gelayaam Dugsiyada magaalooyinka iyo kuwa tuulooyinka ayaa, iyana hadii la sameeyo ah mid kor u qaadi karta heerka waxbarashada iyo yaraynta akhris iyo qoraal la’aanta dadka ku nool Somaliland.
Curashadii Kacaankii Faransiiska
|
Kacaankii faransiisku waxa uu ahaa kacaankii ugu horeeyay ee adduunka ka dhacay ama lagu riday nidaam xukun jira, waxaanu faransiiska ku dhacay cahdigii boqor LuwisKii Lix iyo tobnaad isaga oo ku beegnaa xagaagii sanadkii 1789kii, kaasoo socday muddo Toban sanadood ah ilaa 1799kii markaasoo uu awood u helay inuu inqilaab dhigo Napoleon Bona Parte oo noolaa intii u dhaxaysay “1769-1821kii” kaasoo uu ku riday xukumaddii markaa jirtay 9kii Nofembar 1799kii.
Napoleon oo qunsulka koowaad ka noqday faransiiska sanadkii 1800kii, ka dibna noqday Imbiraadoorka Faransiiska sanadkii 1804, waxa u suurta gashay inuu soo afjaro qaskii iyo fawdadii ka jirtay Faransiiska taasoo gaadhsiisnayd heer aad u xun kacaanka ka hor iyo intii uu socdayba. Laakiin kumuu guulaysan inuu suurto galiyay mabadiidii uu kacaanku ku baaqay oo ahaa xorriyad, sinaan, iyo walaalnimo balse raadinta kacaankaasi kumuu ekaan faransiiska oo kaliya, ee wuxuu raadayn weyn ku yeeshay dalalka Yurub oo dhan.
Haddii aynu eegno xaaladdii faransiiska ee kacaanka hortii waxay ahayd mid aad u qasan, marka laga eego dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshadaba.
Dhinaca Siyaasadda boqoraddii ka talinayay faransiiska waxay ahaayeen qaar ku xukuma awood bilaa xad ah iyadoo uu boqorku ahaa ka ay galanta ugu jirto awooda oo dhami, isagaana ahaa dawladdaba sidii uu yidhi Luwiskii 14aad “anigaa ah dawladda” awoodaasoo ay boqoradu ugu tasarufi jireen sida ay doonaan.
Boqor Luwiskii 16aad oo uu cahdigiisii dhacay kacaankii faransiisku waxa uu ahaa boqor aad u diciif ah isla markaana aanu go’aankiisu adkayn, xukunkana wuxuu qabsaday sanadkii 1774kii. Waxa intaa dheeraa iyada oo ay qoyskiisa uu ka muuqday kibir badani isla markaana waxay ku tasarufi jireen dhaqaalaha dalka oo dhan. Marka la isku darro shaqaalaha iyo adeegayaasha gaarka ah ee guriga boqortooyadda sanadkii 1789kii waxay gaadheen 18 kun oo qof, kuwaasoo uu ku bixi jiray dhaqaale xad dhaaf ahi taasi waxay sababtay fawdo iyo qas dhinaca Siyaasadda ah, iyadoo aad loo karhay nidaamkii boqortooyadda ahaa ee faransiiska ka dhisnaa.
Xaaladda bulshadda mujtamaca faransiisku waxay u qaybsanaayeen kacaanka hortii saddex dabaqadood oo kala ahaa dabaqadda ashraafta oo ugu sareeyay , dabaqada waddaadada kaniisadda iyo dabaqadda bulshadda inteeda kale.
Dabaqadda ashraaftu waxay ahaayeen kuwa haya jagooyinka ugu sareeya dawladda sidaa darteed lagama qaadi jirin wax Cashuur ah isla markaana waxay xaq u lahaayeen inay dadka siday doonaan ula dhaqmaan.
Waddaadada kaniisaduna waxay la mid ahaayeen dabaqada ashraafta, iyagoo lahaa mudnaan gaar ah isla markaana may bixin jirin wax Cashuur ah islamrkaana dhaqaale aad u badan qaadan jiray marka la isku daro tirada ashraafta iyo waddaadadu waxay gaadhayeen ilaa 300 oo kun.
Laakiin dhibaatadu waxay haysatay bulshadda faransiiska intooda kale oo ay tiradoodu gaadhaysay ilaa 25 malyuun oo qof. Waxyaabaha dhibaatada ugu badan ku hayeyna waxaa ka mid ahaa Cashuur xad-dhaaf ah oo ay dawladdu kusoo rogtay. Iyadoo aanu dakhligoodu buurnayn, taasoo culays iyo damqashoba ku haysay bulshadda.
Dhinaca dhaqaalaha, maamul xumaddii iyo musuqmaasuqii ka jiray maamulkii faransiisku waxa uu keenay hoos u dhac dhaqaale oo aad u weyn iyo burbur dhaqaale oo ballaadhan. Iyadoo ay taasi jirtay ayuu sanadkii 1789kii aad u yaraaday roobkii di’I jiray taasoo sababtay cunto yaraan iyo gaajo ku baahday dalka faransiiska oo dhan.
Isagoo isku dayay inuu wax ka qabto dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajahday iyo khasnadii dawladda oo faaruqday ayuu boqor Luwiskii 16aad soo rogay cashuuro dheeraad ah oo uu soo saaray dadka taasoo culayskii bulshadda haystay sii siyaadisay.
Dhinaca fikirka iyo baraarujinta dadka waxaa aad uga qayb qaatay saddex mufakiriin oo u dhashay faransiiska kuwaasoo dadka aad ugu baraarujiyay in loo baahan yahay isbadel dhinaca maamulka ahoo ka dhaca faransiiska kuwaasoo kala ahaa 1) Montesquiu oo noolaa intii u dhaxaysay “1689kii-1755kii” fikradiisuna waxay isbadashay markii uu booqday Ingiriiska isaga oo aad ula yaabay nidaamka boqortooyada dastuuriga ah ee dalkaa ka jira. Waxaanu sanadkii 1748kii qoray buug la odhan jiray “Ruuxda qawaaniinta” kaasoo ay aad u soo dhaweeyeen musaqafiinta iyo aqoonyahanadda faransiisku.
2) Voltaire oo isna noolaa intii u dhaxaysay “1694-1778kii” ayaa isna ku baaqay isbedel la helo, isagoo adeegsaday qoraalo uu lahaa iyo suugaan uu curiyay.
3) Jean Jacques oo isaguna noolaa intii u dhaxaysay “1712kii-1778kii” ayaa ka qayb qaatay baraarujinta dadka isaga oo alifay Kitaab uu u bixiyay “xadhiga bulshadda” kaasoo uu kaga hadlay sida loogu baahan yahay caddaalad dhinaca bulshada ah oo la helo. Kitaabkaasi oo markii dambe bud-dhig u noqday xeerarkii xuquuqda bulshada ee la dejiyay markii uu kacaanku dhashay.
La soco isniinta dambe- - -
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Baro Inaad Ku Fekerto Labo Baab!!
Madaxdu markay dad kale u xilsaarayaan hawlaha isku dariiqo ma raacaan hase yeeshee way ku kale duwan yihiin habka wax loo maamulo, qaar waxay xooga saaraan arrimaha hoose ee yar yar ee ay Madaxda u yihiin, waxaa laga yaabaa in dariiqadaasi ay ka shuqliso wakhtigii uu wax ka qaban lahaa arrimaha waaweyn ee muhiimka ah.
Madaxda qaarkoodna waxay u go’aan maaraynta masaa’ilka waa weyn iyagoo u dhaafaya arrimaha hoose shaqaalahooda.
Markaa isweydiintu waxay tahay akhriste labadaa dariiqo tee fiican in la raaco? Waxaynu odhan karnaa labadaa jidba waa muhiim laakiinse ninka Madaxda ahi waxaa looga baahan yahay inaanu labadaa dariiqo midkoodna baylihin, balse waa inuu arrin kasta xaqeeda mariyo.
Maxaa yeelay, waxaa jira marxalado ay arrimaha hoose ahmiyad wayn leeyihiin, sidaa darteed waa inay isku miisaamaan hadba arrinka horyaal iyo wax qabadka looga baahan yahay, waxaana waajiba inuu caqliga ka shaqaysiiyo oo kala sooco arrinka yar iyo kan weyn ee muhiimka ah midba waxa looga baahan yahay, hadal iyo murti maamulaha guusha keenaa waa kan ku fekera labadan baab siduu xaqooda u marin lahaa, haddii masuuliyad laguu doorto baro inaad ku fekerto labadaa heer haddii kale waad fashilmaysaa.
Maxamed Ibraahim Sagax.
Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa ku seexda kuna soo kaca iyagoo rajaynaya inuu dalkoodu helo ictiraaf caalami ah.
Somaliland waxay ahayd qaran wax gaadhaya 11 sano ilaa haddana may helin ictiraaf, taasoo loo aanayn karo arrimahan:
1. Waxaan jirin maslaxad aad u wayn oo ay adduun weynuhu ka leeyahay Somaliland taas oo keenaysa inaan la danayn ictiraafkeeda run ahaantii Somaliland waxay leedahay mawqic istiraatiiji ah, laakiin yaa u baahan Caalamka hadda waxa ka taliya xooga ugu weyn ee Maraykanka isagoo lahayn wax la tartama.
2. reer Somaliland ood moodid inay ka gaabiyaan inay helaan tacaaduf caalami ah iyo taageero uu caalamku ku taageero qadiyadooda reer Somaliland waxay ku andacoonayaan inay saddex ku fureen dawladdii Soomaaliyeed ka dib markii loo gaystay xasuuq ka baxsan qawaaniinta dawliga ah oo ay ku nafwaayeen iyagoon danbi galabsan haddana waxaad moodaa inay iyaga laftoodu taa ilaaween ama is ilawsiinayaa. Run ahaantii waa wax aad u xun inaad istidhaahdid ka qanci dadka qadiyad aanad adigu aaminsanayn. Maanta waxaa jirta aragtiyo kala duwan oo ay aaminsan yihiin dadku sidii loo gaadhi lahaa ictiraaf dad aaminsan inay carabtu yihiin muftaaxa ictiraafka sidaa daraadeed waxaa inaga dhiman uun inaan kursiga u dhiibno nin carabta si fiican u yaqaana. Qaar kale waxay aaminsan yihiin, ma jirto dawlad adag oo go’aankeeda gacanta ku haysata.
Aragtidaydu waxay tahay inaan Caalamka ku khasabno inuu na ictiraafo iyo inuu nagu soo arko il ayna ka maqnayn la yaabku.
Dawaladdo badan ayaa soo maray xaalada ku jirno Maraykanku wuxuu diidaday inuu ictiraafo Shiinaha hase yeeshee ugu dambaystii wuu ictiraafay waxayna noqotay dawladaha ugu xooga wayn Caalamka.
Taiwan ilaa hadda ictiraaf ballaadhan ma laha hase yeeshee, waxay yeelatay awood ay ku khasabto dawladdo badan oo adduunka inay ictiraafaan iyadoo isticmaalaysa awood dhaqaaleed.
Waxaa maanta ugu haboon inaan dib ugu noqono nafteena sidii aan soo heli lahayn awood aad u weyn oo aan adeegsano, sidii aan dalkeena uga dhigi lahayn meel hodan aad u ah.
Haddii eegno siyaasada dibadda ee ku haboon Somaliland waxay aragtidaydu tahay in ay siyaasada dibaddu ayna u jan-jeedhin qaarad kaliya, laakiin waa inaan dacal kasta oo ka mida adduunyada inaan qadiyadeena ka qancinaa waxaan is leeyahay meelaha ugu horeeya ee waajib nagu ah inaan ka bilawno ololaheena uu yahay Soomaaliya oon shicibkeeda ku qancinayno inuu go’itaankeenu faa’iido u leeyahay ayna si raaxa leh u qaybsanayaan kuraasta xukunka ka dib go’itaankeena waa inay danta uu go’itaankeenu u leeyahay ay ka wayn tahay danta midnimadda waa inaan ka dhaadhicinaa inayna suurta gal ahayn in ay markale dad shisheeya ah ay xukumaan Muqdisho oo ay Madaxweyne-yaal ka noqdaan, haddii ay taasi noo suurtagasho waxaan kasbanaynaa codad tiro badan oo ka soo baxaya Soomaaliya oo u doodaya go’itaanka Somaliland.
Meesha labaad ee u baahan inaan culays saarno waa Itoobiya oo iyadu dani ugu jirto Somaliland, waana inaan muujinaa dadaal aad u fara badan sidii aan culays ba’an u saari lahayn Itoobiya sidii ay u taageeri Somaliland u noqon lahaydna dawladda ugu horeysa ee ictiraafta Somaliland anagoo awoodsanayna Jaaliyadda weyn ee noo joogta halkaa iyo dadka Kililka Shanaad ee ku nool Itoobiya dawladda saddexaadna waa Djibouti haddii aan kari wayno inay ictiraafto Somaliland waa inaan ku khasabnaa inay dhexdhaxaad ka noqoto arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaa jira sidoo kale dawladdo badan oo taageero siin lahaa Somaliland hadday si wanaagsan ugu bandhigi lahayd qadiyadeeda, tusaale ahaan Maraykanka waa xooga adduunyadda maanta ka jirta waa inuu soo maraa guriga cad go’aan kastoo wayn oo adduunyadda ku keenaya isbedel geography ah sida xaaladda Somaliland oo kale waa in sidoo kale la muujiyaa dedaal fara badan sidii loo hantiyi lahaa taageeradda Golaha Senate-ka iyo kuwa ka tirsan madbakha Siyaasadda ee Maraykanka.
Iraan lafteedu waxay geeska Afrika ku leedahay masaalix kala duwan, waxay noqon kartaa suuq loo iib geeyo xoolaheena, waxaana jira, dawladda carabta oo culays leh sida Sucuudiga oo ay dadkeenu u haystaan cadaw taasna waa arrin khalad ah waa inaan ku dadaalnaa sidii aan uga heli lahayn taageero Siyaasadeed, waa inaan ku qancaa inuu ictiraafkeenu khalkhal gelinayn amniga badda cas waa inaan isku daynaa inaan Sucuudiga ka helno dhaqaale fara badan soona jiidano hay’addihisa samafalka ee Sucuudiga ah. Sidoo kale waa inaan xidhiidh gaara la yeelanaa dawladdaha Afrika ee miisaanka ku leh qaaradda sida Liibiya, Masar, iyo Koonfur Afrika.
Iyo kuwa kale waa inaan isku daynaa inaan albaab kasta ka xidhno wax u doodaya midowga Soomaaliya.
Axmed Iid Obsiiye (Catoosh)
Beesha Danwadaagta Axmed Faarax, Faahiye iyo Bayle shir ay ku yeelatay degmada Burco iyo Qoryaale intii u dhaxaysay 22/08/02 waxay beeshu iskula eegaysay arrimaha dalku marayo guud ahaan iyo gaar ahaan arrimaha beesha, waxayna iskula lafa gurtay guud ahaan iyo gaar ahaan xaaladda dalka, falaqayn dheer ka dib waxay beeshu qaadatay arrimaha soo socda.
1. Beeshu waxay adkaynaysaa jiritaanka dalka iyo nabadgelyada ummadda reer Somaliland
2. Beeshu waxay ku garab taagan tahay madaxweynaha iyo dawladda wax u qabadka dalka iyo dadka
3. Beeshu waxay ka rajaynaysaa maamulka dawladda, golayaasha, iyo guddida doorashooyinka inay dhammeeyaan wixii ka dhiman qabashada doorashooyinka dalka oo ay ugu horayso ta dawladaha hoose si loo helo wax hufan.
4. Beeshu waxay dhinacooda ka rajaynayaan xisbiyadda siyaasiga ah ee dalka insay ka shaqeeyaan wixii isku soo dhawaynaya dadka iyo dalka reer Somaliland iskana ilaaliyaan wixii wax kala fogeynaya
5. Beeshu waxay ka hawgelaysaa inta karaankeeda ah isu soo dhaweynta dadka reer Somaliland, waxayna diidan tahay wixii dalka gelinaya qalalaase Siyaasadeed.
1. Maxamuud Xasan Muuse (Gudoomiye)
2. Caaqil Khadar Cabdi Bulumbul (G/Xigeen 1aad)
3. Axmed Geeley Oday (G/Xigeenka 2aad)
4. Prof. Axmed Cilmi Ismaaciil (Xoghayaha 1aad)
Jaamac Maxamed faahiye (Xoghayaha 2aad)
Aniga oo ah, abwaanka guud ee ururka Siyaasadda UDUB, (ururka dimoqraadiyada Ummada Bahowday) una qaabilsan qaybta fanka iyo wacyi gelinta isla markaana ah xidhiidhiyaha xarunta dhexe iyo guddida fulinta UDUB, waxay iila muuqatay inaan ka hadlo qalooca ka muuqda siyaasada ururka UDUB, maadaama aan aqoon dheeraad ah u leeyahay hanaanka aftida oo aan ku soo jiray tan iyo sanadkii 1959kii.
Muddadaa 43-sanadood ah waxaan soo maray mucaarid iyo muxaafid intaba waxaan hadda ka fursan waayay inaan Gudoomiyaha UDUB ku wargeliyo in ururku la ciir-ciirayo hogaamin xumada haysata.
Waxaa loo baahan yahay in UDUB ahaado mid ururada kale horqaada tiriig aad u cad oo ah dhinacyada kale duwan ee dhaqanka, maamulka iyo caddaalada, si ay tusaale ugu noqoto xisbiga ku guulaysta talada dalka si uu maamul hufan ugu hogaamiyo dadka iyo dalkaba.
Haddaba iyada oo baahi loo qabo dedaal dheeraad ah oo looga midha dhaliyo ujeedada dhabta ah ee UDUB ayay hadda u muuqataa mid aanu xilkeeda qaadi karin Dr. Cabdi aw Daahir oo ah Xoghayaha guud ee ururka, waxaa lagu magacaabay xal ahaansho, balse laguma qaderin xirfad xul iyo xigmad midnaba.
Dhaliilaha Xoghayaha guud waxaa ka mid ah gudoon jilicsan, garasho la’aan gacmo laaban iyo gar eexo.
Haddaba arrinta isweydiinta lihi waxay tahay ninka sifooyinkaa iyo qaar kale oo badan lihi UDUB ma gaadhsiin karaa kaalinta tartanka doorashooyinka.
Xoghayuhu waa nin aanay waxba ka baxsanayn oo raba inuu xafiis kasta maamulo markii uu soo jiidhay xafiisyaddii Golaha dhexe iyo kuwii gobolada wuxuu hoos ugu soo dhaadhacay ilaa Xafiiskii suugaanta oo uu sidii ina Cabdule Xasan yidhi “taasina anigay igu fiicantahay”