Haatuf, Cadadki 156, Sep.2002

Golaha Wakiilada Oo Shalay Dood Kulul Fooda Isku Daray

“Qodobka Qiimeynta M/weynaha Meesha Ha Laga Saaro… Kaas Ujeedada Ku Jirtee”

 

 

Hargeysa (Haatuf): Golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay dood kulul ka yeeshay ajandaha kalfadhigooda 18aad, ka dib markii ay rag mudanayaal ahi ku doodeen in ajandaha laga saaro qoddobada qaarkood, waxayna taasi keentay inay madasha dhexdeeda hadalo kulul iswaydaarsadaan mudanayaasha golaha wakiiladu, iyadoo ay hadalo ugu ba’an isu baaciyeen shir-gudoonka iyo xubno mudanayaal ah, iyadoo ay dooddu ahayd wax ka bedelka iyo wax ku darridda qoddobada ajanduhu ka kooban yahay oo ay mudanayaashu kalfadhi kasta sidaas oo kale uga doodaan ajandaha la hor keeno.

 Ajande ka kooban ilaa 9 qoddob ayuu shir-gudoonku soo hor-dhigay golaha, waxaana mudanayaasha loo qaybiyey nuqul qoraal ah oo ajandaha ah, laakiin ilaa laba qoddob oo ka mid ah ajandaha ayey rag mudanayaal ahi markiiba ka horyimaadeen, waxayna raggaasi minbarka hadalka ee hoolka shirarka isla taageen dodo ay ku radiyayaan qoddobada ay diidan yihiin.

 

Qoddobka 1aad ee ajanduhu waxa uu ku saabsanaa war-bixinta shirgudoonka wakiilada, halka uu qoddobka labaad-na ku saabsan yahay ansixinta miisaaniyadda 2003, sidoo kale qoddobka 3aad waxa uu ku saabsan yahay xog-waraysi  inuu goluhu la yeesho guddiga doorashooyinka iyo qoddobka 4aad oo isna ku saabsan qiimaynta madaxweynaha cusub, halka qoddobada 5aad iyo 6aad ka hadlayaan ansixinta xeerar kala duwan iyo ansixinta masuuliyiin sar-sare oo dawladda ah, sidoo kale qoddobada 7aad iyo 8aad waxay ku saabsan yihiin xisaab-xidhka miisaaniyadihii labadii sannadood ee u dambeeyey iyo xog-waraysiyo la xidhiidha masuuliyiin sar-sare oo dawladda ah. Hase yeeshee labada qoddob ee ay dooddu ka abuurantay waxay kala yihiin qoddobka ka hadlaya qiimaynta madaxweynaha oyi qoddobka ka hadlaya xog-waraysiga guddiga doorashooyinka, kuwaas oo ay xubno mudanayaal ahi si kulul ugu doodeen in meesha laga saaro, iyadoo uu qoddobka qiimaynta madaxweynuhu ahaa qoddobka ugu darran ee ay doodda kululi ka ooggantay, sidoo kale waxay mudanayaasha qaarkood ka hadleen xeer hoosaadka golaha wakiilada oo ay dureen sharciyadiisa, kuna taliyeen in la saxo sharciyadiisa. Laakiin intii aan doodda ajandaha ayuu gudoomiyaha aqalka wakiilada mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo fadhiga gudoominayey shirka ku furay hadalo madasha diiriyey oo isugu jirey canaan, waano, kaftan iyo duur-xul siyaasadeed, waxayna hadalada Qaybe madasha ka abuureen jawi feejigo leh, taas oo ay mudanayaashu u dhegtaageen hadalada ka soo baxay afka gudoomiyahooda.

 

“Maalintii saddexaad ayuu golahani furan yahay, mudanayaashuna magaalada way wada joogaan, laakiin inay makhaayadaha iska fadhiyaan ayey ka door-bideen shaqadii golaha”ayuu mudane Qaybe, isaga oo mudanayaashiisa ku canaanaya inay madasha ka soo xaadiri waayeen, laakiin wuu sii waday hadalka, wuxuuna ku tiraabay ereyo kaftan ah, duur-xul siyaasadeed-na aan ka madhnayn, wuxuuna yidhi “Qolyaha durriyadda ee mujaahidiintu waxay yidhaahdaan naf iyo maal-ba waanu soo huray dalka, laakiin wixii nafta iyo maalka loo soo huray markii la gaadhay waxay u muuqdaan inaan la hananayn, markaa aan idinla kaftamo oo dhiigiina dhaqaajiyee cidda ay ka burburaysaa waa idinka, aniga iyo rag aan ku jiraa maalinna umaanu soo dhididin” ayuu yidhi, wuxuuna intaa ku daray “Waxaan sidaa u leeyahay halkani waa golihii dalka ugu sareeyey, dalkuna halkan ayuu ka socdaa, markaa hadii aad shaqadiina baylihisaan waxba socon maayaan, bal eega dal iyo ummad baa ina sugaya golihiina saddex maalmood ayuu kooramkii buuxsami waayey”. Laakiin mudane Qaybe, isaga oo weli sii kaftamaya wuxuu yidhi “Mujaahidiineey hadii aad dedaashaan waanu idinla dedaali, hadiise la shaqayn waayo oo uu kooramku buuxsami waayo gurigayga ayaan iska tegayaa”. Hase yeeshee mudane qaybe waxa uu khud-badiisa aftaxa ahayd ee uu shirka ku furay ku soo gebagebeeyey hadalo waano ah oo uu mudanayaashiisa ku waajahan, wuxuuna yidhi “Kalfadhigani waa kii ugu dambeeyey sannadkan, hawlo badanina waa inoo yaaliin, waar is-xilqaama, waayo hadii ay golahan waxba ka socon waayaan, Somaliland-na waxba ka socon maayaan”ayuu yidhi Qaybe, isaga oo mudanayaasha ka dalbaday inay goor hore ka soo xaadiraan madasha fadhiyada oo ah goobta ay ka socoto hawl-maalmeedka golaha wakiiladu, hadalkaasna waxay xubno badan oo mudanayaal ahi ku soo dhoweeyeen sacab iyo sawaxan, “gudoomiye taasi waa gar”ayey ku qaarkood ku dhawaaqeen.

 

Hase yeeshee markii ajandaha la qaybiyey ee ay mudanayaashu qader miridho ah isha ku dhufteen ayey sheekadu cirka u baxday, waxaana is qoray koox mudanayaal ah si ay uga hadlaan wax ka bedelka iyo wax ku kordhinta qoddobada ajandaha.

 

“Xeer hoosaadka maanta golaha u yaal uma aqoonsani inay sharciyadiisu jirto, sidaa awgeed waxaan soo jeedinayaa in loo qabto guddi aan guddiga joogtada ah oo aan hawl kale la qaban ilaa xal loo helo oo wax laga qabto xeer hoosaadka golaha”sidaa waxa yidhi mudane Maxamed C/laahi Samaale oo ka mid ahaa mudanayaasha shalay doodda ka qayb galay, laakiin mudane Samaale wuu sii waday hadalkiisa wuxuuna afka ku dhuftay qoddobka ka hadlaya qiimaynta wax qabadka madaxweynaha, wuxuuna yidhi “Halka ah qiimaynta madaxweynaha waxa ka haboon oo aan soo jeedinayaa in lagu bedelo qiimaynta xukuumadda”, laakiin mudanahaasi wuu sii wadey hadalkiisa, wuxuuna mar kale yidhi “Marka la leeyahay qiimaynta madaxweynaha, taasi waa mid ujeeddo leh”, laakiin muu sheegin waxa ay tahay ujeedada laga leeyahay. Hase yeeshee waxa doodda ka dhadhamayey dareen siyaasadeed, taas oo ay ragga ku dheganaa in meesha laga saaro qoddobada qiimaynta wax qabadka madaxweynaha iyo u yeedhidda guddiga doorashooyinka ay dhinaca gudoomiyaha u tuureen weedho duur-xul siyaasadeed ah oo ay leeyihiin ujeeddo ayaad ugu soo dartay qoddobadaa, laakiin gudoomiyuhu marar badan ayuu hadalka u baxay si ugu jawaabo hadalada dareenka leh ee loo soo riday dhiniciisa, wuxuuna ku cel-celiyey inaanay jirin wax ujeeddo ahi.

 

Mudane Food-yare ayaa isna ka mid ahaa mudanayaasha doodda jeediyey, wuxuuna mudanahaasi ugu horayn ayiday soo jeedintii mudanihii ka horeeeyey (Samaale) ee ahayd in dib loo eego xeer hoosaadka golaha wakiilada, laakiin wuu sii waday hadalkiisa, wuxuuna ku dooday in ajandaha laga saaro qoddobada ka hadlaya qiimaynta wax qabadka madaxweynaha iyo xog-waraysiga guddiga doorashooyinka. “Anigu waxaan soo jeedinayaa inuu golahani u hawl galo sidii uu kaalintiisa uga qaadan lahaa hawlaha doorashada, laakiin waa inaan golaha dhexdiisa laga abuurin xasaasiyad”ayuu yidhi mudane Food-yare, isaga oo difaacaya in meesha laga saaro labada qoddob ee ka hadlaya qiimaynta wax qabadka madaxweynaha iyo xog-waraysiga guddiga doorashooyinka.

 

“Qoddobka qiimaynta wax qabadka madaxweynuhu waa qayral distoori, sidaa darteed waa in meesha laga saaro”sidaana waxa yidhi mudane Ismaaciil Mire oo si kulul u difaacay in meesha laga saaro qoddobkaa, laakiin markii ay sheekadu maraysay gudoomiyah golaha wakiilada oo ah ninka ay mudanayaasha ku doodayey in qoddobadaa meesha laga saaro u anafoonayeen ayaa hadalka dhexda kaga soo boodey si uu dhiniciisa u difaaco ajandaha shir-gudoonku soo dhigay, ka dibna intuu hanqalka kala soo kacay kursiga dheer ee uu shirarka golaha ka hago, isla markaana uu miiska hortiisa yaal

si xooggan  tantoomo ugu garaacay ayuu soo tuuray weedho kul-kulul oo uu u jeedinayo ragga weerarku kaga yimi.

 

“Nin gabyaa ah ayey rag aan gabay garanayni tuur-tuureen markaas ayuu gabay tiriyey, wuxuuna yidhi “Mad-habtii shanaad baan dejaad ila mur-maysaane”, iminka raggiina leh sharci ma aha in madaxweynaha la qiimeeyo wax qabadkiisa, waxaan idin leeyahay mad-habtii lixaad baan dejaad ila mur-maysaan”ayuu yidhi mudane Qaybe, isaga oo u jawaabaya mudanayaasha ku dooday in meesha laga saaro qoddobka qiimaynta wax qabadka madaxweynaha, wuxuuna Qaybe weedhihiisaa ku if-tiiminayey inuu yahay nin waaya-arag ku ah shuruucda baarlamaanada iyo hawlaha la xidhiidha, taas oo uu si gaar ah ugu jawaabayey mudanaha ku dooday qoddobka qiimaynta madaxweynuhu waa qayral sharci. Laakiin mudane Qaybe, isaga oo u jawaabaya ragga ku dooday qoddobka qiimaynta wax qabadka madaxweynaha ujeeddo ayaa laga leeyahay wuxuu yidhi “Hadalka hanagu leexinina oo raggiina nagu leh meesha wax baad ka waadanow naga daaya taa oo hana laga daayo weerarka, iminka ma anaga (shir-gudoonka) iyo madaxweynaha ayaad afka isu kaaya gelinaysaan”. “Ma shir-gudoonkaad leedahay wax buu wadaa”ayuu intaa ku daray mudane Qaybe, isaga oo weedho kul-kulul kor ugu dhawaaqaya. “Laakiin maxaad iga rabtaan hadii aan mashruuc furay maad dhaameelkiina iska rux-ruxataan”ayuu haddana yidhi mudane Qaybe.

 

“Qoddobada la leeyahay meesha halaga saaro waa sharci, waana waajibaadka golaha”sidaa waxa yidhi mudane Cabdi Daahir Camuud oo isagu difaacaya inaan meesha laga saarin qoddobada qiimaynta wax qabadka madaxweynaha iyo xog-waraysiga guddiga doorashooyinka. “Halkan (Golaha) waxa fadhiya rag laba mushahar leh”ayuu mar kale yidhi mudane Camuud, isaga oo weeraraya mudanayaasha ku dooday in meesha laga saaro qoddobada ka hadlaya madaxweynaha iyo guddiga doorashada, iyadoo ay ragga ku doodayey in meesha laga saaro qoddobadaa u bad-naayeen mudanayaasha lagu xidhiidhiyo xukuumadda iyo ururka UDUB ee dawladda.

 

Mudane Faysal ayaa isna difaacay inaan meesha laga saarin qoddobada ka hadlaya madaxweynaha iyo guddiga doorashooyinka, isaga oo sharci ahaan cuskaday qoddobo dhawr ah oo distoorka ah, taas oo ku dooday inay yihiin mawduucyo sharci ahaan sax ah, isaga mudane Faysal qoddob raacaya mudanaha ku dooday inuu qoddobka qiimaynta wax qabadka madaxweynaha ee ajandaha lagu soo daray yahay qayral distoori, wuxuuna mudane Faysal carrabka ku adkeeyey in loo yeedho guddiga doorashooyinka iyo wasiirka daakhiligaba si looga waraysto arimaha doorashooyinka iyo inay si haboon ugu dhaqmeen ama u meel mariyeen xeerarkii doorashooyinka la xidhiidhay ee uu golaha wakiiladu ansixiyey.

“Anigu waxaan odhan lahaa qoddobka qiimaynta wax qabadka madaxweynaha halaga saaro ajandaha yaan loo qaadan in meesha (golaha) hilaac ka baxaye”sidaana waxa yidhi mudane Yuusuf-guruuje oo isna difaacaya in meesha laga saaro qoddobka qiimaynta wax qabadka madaxweynaha, laakiin wuxuu intaa ku daray “Guddiga diiwan-gelinta ururada ayaa, iyaguna xog-waraysi u baahan”.

 

“Qiimaynta madaxweynaha meesha halaga saaro oo halagu bedelo qiimaynta shir-gudoonka”sidaana waxa yidhi mudane Dhamac oo isna difaacaya in meesha laga saaro qoddobkaa.

 Marka laga yimaado weedhaha ay shir-gudoonka iyo mudanayaasha qaarkood si weerar iyo difaac ah isugu baaciyeen waxa kale madasha ka baxayey dhawaaqyo iyo sawaxan badan oo ka yeedhayey mudanayaasha madasha fadhiyey, kuwaas oo kala taageersanaa labada ra’yi ee uu mid leeyahay qoddobadaa meesha halaga saaro, midna leeyahay haloo daayo, waxaana madasha ku badnayd ereyga Sekendhidh oo macneheedu yahay “Waan kugu raacsanahay”.

Hase yeeshee, iyadoo aanay weli dhammaan mudanayaashii doodda idu qoray ayuu gudoomiyuhu shirkii xidhay, waxaana dooddaa mar kale loo ballamay maanta oo ay halkaa ka sii socon doontaa.

 

“Anigu Tuug Maan Ahayne, Xabsigii

Aan Galay Wuxuu Ahaa Mid Siyaasadeed”

Saleebaan Gaal Q:2aad Ee Faaqidaada Ku Saabsan Shakhsiyadiisa & Aragtidiisa Siyaasadeed

Sidii aan ku muujinay qaybtii hore ee warbixintan aanu ku faaqidaynay taariikhda siyaasadeed ee Guddoomiyaha ASAD, waxa uu Saleebaan-gaal si rasmi ah lugaha ula soo galay mihnadda siyaasadda sannadkii 1980-kii, waqtigaas oo loo magacaabay jago wasiir ku xigeenimo oo wasaaradda waxbarashada ahayd. “Wallaahi rasmi ahaan, waxa la odhan karaa markii aan wasiir ku xigeenka noqday, 80-kii ayaan soo galay siyaasadda. Hase yeeshee, markii aan 64-kii shaqada bilaabay, waxaanu 65-kiiba aas-aasnay jariirad uu titaftire ka ahaan jiray Gar-yaqaankii Yuusuf Jaamac Dhuxul,” sidaa waxa yidhi Saleebaan oo sharraxaad ka bixinayay markii ugu horraysay ee uu siyaasadda madaxa la soo galay. Saleebaan wuxuu intaa sii raaciyay; “Horta markii u horraysay jariiradaas ayaa siyaasadda isu kaaya geysay. Dawladdii aanu naqdiyaynay ee aanu lahayn tubta toosani waa taas, iyo dagaalkii hadba nalagala hor imanayay, markaas ayay noqotay inaan siyaasadda galo.”

 

Inkasta oo ay Saleebaan jago siyaasadeed oo uu qabto ay ugu horraysay wasiir ku xigeen, haddana intii ay talinaysay xukuumaddii Siyaad Barre, looma dhiibin jago wasiir ku xigeenkaas ka sarraysay. Mar aan arrintaas wax ka weydiiyayna Saleebaan-gaal wuxuu ku jawaabay; “Wasiir ku xigeen uun baan ku meeraysanayay. Wasaaradda waxbarashada ayaan wasiir ku xigeeni-mada ku bilaabay, dabadeedna afar sannadoodbaa dibedda lay dhigay. Markii aan 4 sannadood dibedda joogay ee aan noqday nin mucaaradka xarun u ah, ayuu yidhi Siyaad Barre, waar bello ku dhacdaygu malaha gudaha ayuu ku dhibaato yaryahay, dabadedna August, 1987, ayaan noqday wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga. 1987 ilaa 1989-na waxaan iska bedbedelay shan wasaaradood oo aan mid kastaba wasiir ku xigeen uun ka haa.”

 

Marka la sii tix-raaco hadalkiisaa, waxay is-weydiintu tahay maxaa sababay in laba sannadood gudahood uu isu maro shan wasaaradood, oo uu mid kastaba wasiir ku xigeen ka noqdo?

Saleebaan-gaal wuxuu taa ku macneyay inay sababtay iyada oo aan loo oggolayn inuu meelna xidido iyo nufuud ku yeesho. “Markaan xukuumadda galona laygama kordhinayn wasiir ku xigeen, meel kastana si aanan ugu xididaysan ayuu Siyaad Barre iiga bed-beddelayay, waayo Waxaanu ninkaa ku wada-shaqayn jiray run bay ahayd, runtana waxaan is-lahaa waad u sheegi jirtay, laakiin nin tiisu u qaroorantay ayuu ahaa,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

Sannadkii 1989, isaga oo Saleebaan-gaal haya xilkaa wasiir ku xigeenka ahaa, ayaa ciidamo gaar ah oo ka tirsanaa Koofiyad-castii Maxamed Siyaad Barre, ka fuliyeen magaalada Muqdisho hawlgal si arxan-darro ah loogu xasuuqay 47 qof oo loo dilay isirka qabiilka (Isaaq), ay ka soo jeedeen oo keli ah, kuwaas oo laga ururiyay goor habeenimo ah xaafadihii ay deggenaayeen, isla markaana inta saddex-saddex laysu dabo-joojay ay cutubyo koofiyad-cas ahi isku goob ku toogteen. Xasuuqaas oo loogu yeedho xasuuqii xeebta Jasiira (goobtii lagu laayay), waxa uu dhacay waqti ay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo waqtiga loo yaqaanay gobollada waqooyi uu burburiyay taliskaasi, dadkii ku dhaqnaana ay duur-gal yihiin. Hase yeeshee, waxa socday oo meel qadhaadh marayay dagaalkii ururka SNM kula jiray xukuumaddaas, ee dib loogu xoreeyay dalka. Intaas ka sokow, xilligaasi wuxuu ahaa waqti uu isa soo guraayay cimrigii xukuumaddii Maxamed Siyaad, waxaana markaas khal-khal ku dhaweyd gacan ku hayntii caasimadda (Muqdisho).

 

Haddaba markii xasuuqaa naxdinta lahaa dhacay ee la laayay dadkaa shicibka ahaa, ee aan waxba galabsan, waxay dhacdadaasi si weyn u saamaysay mas’uuliyiintii markaas xilalka hayay ee ka soo jeeday qabiilada dadkaas la xasuuqay ee ku sugnaa Muqdisho, kuwaas oo uu ka mid ahaa Saleebaan Maxamuud Aadan (S-Gaal). Sidaa darteed, mas’uliyiin ay ka mid ahaayeen Saleebaan-Gaal iyo Cismaan Jaamac ayaa si deg-deg ah ula xidhiidhay Maxamed Siyaad Barre. “Waxaanu ku nidhi markii aanu u galay reer dhan baad birta u quudhay, umanaad kala aabo yeelin,” sidaa waxa yidhi Saleebaan Maxamuud oo sharraxaad ka bixiyay wada-hadalkii dhexmaray iyaga iyo Maxamed Siyaad Barre, markii xasuuqaasi dhacay. Isaga oo taas ka sii sheekaynayana wuxuu yidhi; “intii markaa loo arkayay, muruq ahaan inay ordi karayso, maskax ahaana shaqaynaysay ayaad dishaye dee sidaa ogow. Adiga baqo-gelin ayay kaa tahay, laakiin anagu Waxaanu u arkaynaa inuu noqonayo xoq ay ku sii hawlagalaan oo sii adkaysa mucaaradnimadooda.”

 

Muddo yar dabadeedba, Saleebaan-gaal, Cismaan Jaamac iyo mas’uuliyiin kale ayaa kagoostay xukuumaddii Siyaad Barre, waxaana markii hore baxay Saleebaan Maaxmuud Aadan, sidaa aawadeed mar aan Saleebaan wax ka weydiiyay in dhacdadii Jasiira sababtay goosashadiisa iyo inkale, wuxuu ku jawaabay; “Maya, lama odhan karo taas oo qudha, ee wixii way is-biirsadeen. Markii horeba waanigii idhi, waabanu ku raagnay, oo dul-qaad badnayn markaanu intaaba la joognay. Inkasta oo aanu wax taraynay, haddana markaas Waxaanu aragnay inaanay wax dambe oo meesha loo joogaa jirin, ee dagaalku dibedda ku wanaagsan Yahay.” Saleebaan wuxuu xusay intii aanu soo goosan kahor inay isaga iyo xubno kaleba hawlo badan uga hayeen gudaha ururkii SNM. “Wixii war ah annagaa u diri jiray. Nin qudha baanu lahaynoo noo dira. Wixii ay naga codsadaana waa loo diri jiray,” ayuu yidhi.

 

Saleebaan-gaal, markii uu ka goostay xukuumaddii Siyaad Barre, wuxuu ku biiray ururkii SNM oo dagaal hubaysan kula jiray taliskaa, Waxaanu ka mid noqday Golihii Dhexe ee ururka, isla markaana waxa uu noqday markii dambe xoghayihii arrimaha dibedda ee ururka SNM, markii SNM ku guulaysatay dib-u-xoraynta dalka, ee Burco lagaga dhawaaqay lasoo noqoshada madax-bannaanida Somaliland-na waxa uu Saleebaan-gaal ka mid noqday xubnihii xukuumaddii C/raxmaan Axmed Cali (Tuur), Waxaanu noqday wasiirka Arrimaha Gudaha.

Shirweynihii beelaha Somaliland ee Boorama 1993 kadib, waxa uu Saleebaan ka mid noqday xukuumaddii u horraysay ee uu soo dhiso Madaxweynihii geeriyooday ee Maxamed Ibraahim Cigaal. Sannadkii 1997-kiina wuxuu isu sharaxay jagada Madaxweyne-nimada, Waxaanu shirweynihii beelaha ee Hargeysa ku qabsoomay kula tartamay jagadaas madaxweyihii hore ee geeriyooday. Hase yeeshee, Saleebaan, kumuu guulaysan tartankaas, waxaana kaga guulaystay Maxamed I. Cigaal, oo hayay jagada madaxweynenimo ilaa May 2002, waqtigaas oo uu xijaabtay.

 

Laga soo bilaabo 1997, ilaa waqtigan xaadirka ah, Saleebaan-gaal waa siyaasi mucaarad ah, oo dhufayska ugu jira hanashada kursiga. Shantii sano ee tegayna waxa uu ahaa keeb la yuurur ay hirdamayeen xukuumaddii Madaxweyne Cigaal. Si kastaba wax ha u jireene, dadka siyaasadda falanqeeyaa, waxay aaminsan yihiin, in Saleebaan huq siyaasadeed oo badani ka soo gaadhay duruufihii kala duwanaa ee uu soo maray muddadaasi, isla markaana waxa kale oo la rumaysan Yahay, inay jirto khibrad badan oo uu ka korodhsaday marxaladdaas, iyo magac uu ka haleyba. Laakiin mar aan Saleebaan wax ka weydiiyay bal inay jugahaasi raad dhibaato u leh naftiisa ku reebeen iyo inkale, wuxuu ku jawaabay; “Maya, horta dee xabsigaan galayay anigu tuug maan ahayne xabsi siyaasadeed buu ahaa, oo wixii aan lahaa hoggaankii talada hayay waar waad xumaynaysaa uun baan horta anigu ku xidhmayay. Dadka reer Somaliland-na Ilaahay ha ka jasaa’i siiyee waa dad caddaalad jecel. Markaa waxaan faa’iido iyo magac ahayn kama qaadin, wax raad-xumo ah oo iga soo gaadhayna ma jiraan. Wax aar-goosi ah oo ay igu reebtayna ma jirto. Wax walba waxaa ka weyn sida dadkaagu kuugu hiiliyo, ummadda reer Somaliland-na meel kastaba ha joogtee, cid kastaba ha ahaatee, way ii wada hiilisay. Xabsiyadii caafimaadkayga dhibaato kumay keenin, magac iyo muuqaal uun baan ka sii qaaday.” Saleebaan wuxuu intaa ku sii ladhay; “markaad dhan ka eegto, waabu ku mahadsanaa ninkii illa dagaalamayay tallaabadaas, waayo aniga iyo dadkaygii ayuu iskaaya baray.”

 

Sida qof kasta oo bani’aadam ahiba uu u leeyahay gol-dalolooyin had iyo goor looga soo dhaco oo lagu dhalliilo, ayaa siyaasiguna u leeyahay waxyaabo lagu dhalliilo hab-dhaqankiisa siyaasadeed. Sidaas darteed, marka laga hadlayo hannaanka hoggamineed ee siyaasada Saleebaan, dadka qaar waxay ku tilmaamaan inuu Yahay nin qabiili ah, oo sunnaha siyaasaddiisa ay taasi waax ku leedahay. Qaar kale, waxay aaminsan yihiin inuu Yahay nin had iyo goor hadalkiisa iyo hab-dhaqankiisu dhiilo-sid leeyahay, oo masaaliixda siyaasaddiisu xidh-xidhantay. Badh kale ayaa iyana ku tilmaama siyaasi go’aan-qaadashadiisu dhaqso badantay, oo si caadifadi ku jirto markiiba u go’aan qaata. Runtii qof kastaaba shaqsiga uu mucaaradka ku Yahay uma waayo wax uu ku dhaliilo, maqaarka meeshii uu doonaba haka ursadee. Sidaas darteed, qodobadaasi waxay ka mid yihiin rukunada ay cuskadaan dadka dhaliila siyaasaddiisu. Sidaas oo kale, ayay iyana u jiraan astaamo badan oo lagu ammaano siyaasaddiisu. Hase yeeshee, waxay is-weydiintu tahay, Saleebaan Maxamuud shaqsiyan ma isu arkaa nin siyaasaddiisu waxyaabaha lagu dhaliilo ay leedahay.

Su’aalo aan arrintaa ka weydiiyay iyo qaar kale oo ku saabsan, siday magaca ASAD ula baxeen urur ahaan, aas-aaska ururkiisa, iyo aragtidiisa marxaladdan maanta ku wajahan-ba, la soco tirsiga dambe (Insha Allaah).

 

Asad Iyo Ururada Kale Ee

Siyaasadda Oo Mowqifyo Kala Duwan Iska Taagay Khilaafka Ururka SAHAN

Hargeysa (Haatuf):- Mudane Cali Xasan Sheekh-doon oo ka tirsan golaha dhexe ee is-bahaysiga ASAD, isla markaana ururkaasi ugu jiray wada-tashiga ururada mucaaradka ahi ka yeesheen doorashooyinka, ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta ururkiisu u saxeexi waayay bayaanka ay wada-tashigaa ka soo saareen ururradu.

 

Mudane Cali Xasan Sheekh-doon oo xalay Haatuf u warramay, waxa uu sheegay in ururka ASAD aanu waxba ka qabin aragtiyaha iyo nuxurka uu xambaarsan yahay bayaanka ay soo saareen toddobada urur. Hase yeeshee, uu ururku ka gaabsaday khilaafka iyo kala qaybsanaanta ururka SAHAN. Md. Cali, wuxuu intaa ku daray, in sida la ogyahay uu ururka SAHAN kala qaybsamay, isla markaana kulamadan dambe ee ururada uu ka soo qaybgalay dhinac ka mid ah labadii dhinac ee ururkaasi u kala jabay. “Sidaas darteed, Waxaanu go’aansanay I aanu dhex ka ahaano garabyadaa SAHAN, annagoo u rajaynayna in kulamada dambe ee ururada uu SAHAN ka soo qaybgalo isaga oo soo dhammaystay khilaafkiisa, soona xalishay,” ayuu yidhi Md. Cali Sh. Doon, isaga oo xusay in mawqifkaa dhexdhexaadka ah ee uu ASAD iska taagay khilaafka SAHAN aanay ururada kale la qaadan.

 

Ururka SAHAN, oo ku kala jabay shir-weynihisii koowaad ayaa waxa bayaanka toddobada urur soo saareen u saxeexay Prof. Maxamed Cumar Jiir, oo ah guddoomiyihii ku meel-gaadhka ahaa ee ururka SAHAN, oo ku doodaya inuu weli yahay Guddoomiyaha sharciga ah ee ururka SAHAN, kana soo horjeeda hoggaanka cusub ee toddobaadkan loo doortay ururkaasi.

Warar ku dhow-dhow toddobada urur ee bayaanka soo saaray ayaa sheegaya in ururadaasi ay u tixgeliyeen inuu Max’ed Cumar Jiir wakiil ka yahay ururka SAHAN, iyaga oo ku dooday inay ka duuleen guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda oo ay sheegeen inay isaga u aqoonsan yihiin Guddoomiyaha ururkaasi.

Maamulka cusub ee SAHAN ee uu Guddoomiyaha ka yahay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa la sheegay inay ururada u qaybiyeen qoraal ay ku weydiisteen inaanay soo dhexgelin khilaafka ururkooda.

 

Md. Cali Sheekh-doon, waxa uu sheegay in ASAD uu ka qaybgeli doono kulanka ay maanta isugu imanayaan ururada siyaasadda, guddiga doorashooyinka iyo Akaadamiyadda nabadda iyo horumarka Somaliland.

Kulanka ururada siyaasadda, waxaa laga filayay in go’aan ay ka midaysan yihiin ka gaadhaan doorashooyinka, laakiin waxa ay markale ku celiyeen walaac ay hore uga muujinayeen sida ay ku dhici karayso doorasho xalaal ahi. Md. Cali Sheekh-doon oo arrintaa ka jawaabayay waxa uu yidhi; “Go’aanka waxaa leh guddiga doorashooyinka, wixii talo ah ee la siinayayna horaa loo siiyay.”

 

Heshiis Balaadhan Oo

Maal-Gelinta Ganacsiga Xoolaha Ah Oo Dhexmaray Itoobiya Iyo Sucuudiga

Riyaad (Shar-qul Awsad): Bishan aynu ku jirno ee Sabtembar ayaa la filayaa inay shixnadii u horaysay ee hilibka qallan ee xoolaha Itoobiya gaadho dalka boqortooyada Sucuudi-Arabia, waxayna shixnadaasi ka koobnaan doontaa ilaa 300 oo Tone oo ah hilibka qallan ee Adhiga oo la qaboojiyey, taasina waxay ka dambaysay markii ay boqortooyada Sucuudigu xayiraaddii ka qaaday hilibka qallan ee xoolaha Itoobiya ee ay ku soo rogtay laba sannadood ka hor, waqtigaas oo uu Sucuudigu xayiraad ku soo rogay ganacsiga xoolaha nool ee uga so dhoofa guud ahaan dalalka bariga Afrika, iyadoo uu Sucuudigu taa sabab uga dhigay shaki dhinaca caafimaadka xoolaha ah.

 

Talaabadan ay dawladda Sucuudigu xayiraadda kaga qaaday hilibka qallan ee xoolaha Itoobiya waxay ka dambaysay markii ay dawladda Itoobiya diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Sucuudiga ee Adis-ababa iyo maal-qabeeno Sucuudi ah ku martiqaaday inay booqdaan, una kuur-galaan goobaha lagu xanaaneeyo xoolaha nool iyo meelaha lagu kaydiyo hilibka qallan ee xoolaha ee dalka Itoobiya ku yaal saddex bilood ka hor, taasna waxa ka soo baxay natiijo togan, waxayna dawladda Sucuudigu ku qanacday caafimaadka xoolaha, waxayna ka dhashay kalsooni ah inuu Sucuudigu xayiraadii ka qaado ugu yaraan hilibka xoolaha Itoobiya, isla markaana waxay taasi soo jiidatay maal-qabeenada Sucuudiga oo hadda u qushuucsan ama ku qanacsan inay maal-gelin ku sameeyaan xanaanaynta iyo dhoofinta xoolaha nool ee Itoobiya.

Wargeyska la yidhaahdo Sharqul-Awsad oo ka soo baxa magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegay inay maal-gelinta uu Sucuudigu ku samaynayo xoolaha Itoobiya gadhayso ilaa 60%, wuxuuna wargeysku taa ka soo xigtay sarkaalka la yidhaahdo Balaatshiyo Hariisa oo madax ka ah hayad Itoobiya u qaabilsan suuq geynta xoolaha nool, hayadaas oo ah hay’adda ka shaqaysay marti-qaadka loo fidiyey diblomaasiyiinta iyo maal-qaabeenada booqday goobaha xanaanada xoolaha iyo kaydinta hilibkooda ee Itoobiya.

 

Maal-gelinta ay Sucuudiyaanku ku samaynayaan xoolaha Itoobiya waxay samaynayaan ama maal-gelinayaan kawaanada xoolaha lagu qalo iyo goobaha lagu xoolaha. Iyadoo la sheegay inay xayiraadda xooluhu sababtay shaqo la’aan ku timi shirkadaha dhoofka xoolaha ka ganacsada iyo dadweynaha Itoobiya oo ku waayey dakhli maalmeed gaadhaya ilaa 20%, waxayna taasi si gaar ah u sii saamaysay dadka ay sida tooska ah noloshoodu ugu tirsan tahay ganacsiga xoolaha nool, isla markaana wuxuu sarkaalkaa Itoobiyaanka ahi cadeeyey inay maal-qabeenada Sucuudigu kaalin mug leh ka qaateen horumarinta kawaanada xoolaha lagu qalo ee dalka Itoobiya, kuwaas oo uu yidhi waxay ka dhigeen kuwo la tartami kara kawaanada qalliinka xoolaha ee dalalka hore-umaray, wuxuuna sarkaalkaasi aad ugu mahad naqay dawladda Sucuudiga, isaga oo uga mahad naqaya xayiraadda ay ka qaaday xoolahooda, isla markaana waxa uu ballan qaaday inay Itoobiya u hogaan samayso fulinta shuruudaha iyo qawaaniinta ay dawladda Sucuudigu u dhigtay dhoofinta xoolaha nool iyo hilibkoodaba.

 

Dhinaca kalena Saalax Cabdalle Al-Xuseyni oo ah kuxigeenka shirkadda ganacsiga xoolaha u qaabilsan Sucuudiga ayaa sheegay inuu hilibka Itoobiya uga soo dhoofayaa dabooli doono 20% baahida hilibka ee Sucuudiga gudihiisa looga baahan yahay, wuxuuna Saalax Cabdalla farta ku fiiqay inay taasi la xidhiidho baahi weyn oo dalka Sucuudiga looga qabo hilibka xoolaha Afrika, iyadoo buu yidhi ay sababta baahida loogu qabo xoolaha Afrika tahay, xoolahaa gobolkaa oo daaqa dhirta iyo doogga dabiiciga ah.

Saalax Cabdalla Al-Xusayni waxa uu cadeeyey inay maal-gelin ku sameeyeen kawaanada qalliinka xoolaha ee degmada Mad-hara oo ku taal meel 200KM u jirta caasimadda Itoobiya ee Adis-ababa, kawaankaas oo la sheegay inuu ballaciisu yahay 55000 KM (Shan iyo konton kun oo KM), waxaana lagu tilmaamay inuu yahay kawaanka ugu weyn mandaqadda geeska Afrika oo dhan, wuxuuna kawaankaasi ka kooban yahay suuq iib geynta xoolaha ah iyo 36 xero oo loogu talo galay in xoolaha lagu hayo, xeryahaasina waxay u qaybsamaan 24 xero oo Adhiga ah iyo 12 xero oo geela iyo lo’da ah, waxaana intaa wehelisa wershad gaar ah oo xoolaha u samaysa daaq dabiiciga ah. Sidoo kale waxa, iyaguna jira saddex goobood oo caafimaadka xoolaha qaabilsan iyo saddex goobood oo loogu talo galay gawraca xoolaha iyo diyaarintooda, iyadoo ay goobaha gawraca ka hawl geli doonaan 120 qof oo qaabilsan gawraca xoolaha, kuwaas oo sarkaalka Sucuudiyaanku sheegay inay dhammaantood muslimiin yihiin. Waxa kale oo intaa weheliya 6 talaagadood oo hilibka lagu kaydiyo, kuwaas oo kaydinaya kun neef oo Adhi ah oo hilib qallan ah iyo 200 oo hilibka qallan ee geella ah.  Sidoo kale waxa mashruuca qayb ka ah 15 gaadiidka xamuulka ah oo loogu talo galay daabulka xoolaha iyo 10 baabuur oo ay ku rakiban yihiin qaboojiyayaal loogu talo galay gurista hilibka qallan.

Mashruucan dhinaca xoolaha ah ee uu Sucuudigu ka hir gelinayo dalka Itoobiya waxa ku baxaya 20 malyuun oo Riyaalka Sucuudiga ah .

 

Sannadkii 2000 waxa lagu qiyaasay wax is dhaafsiga dhinaca ganacsiga ee labada dal ee Sucuudiga iyo Itoobiya inuu gaadhay dhaqaale ahaan in ku dhow  206 malyuun oo Riyaalka Sucuudiga ah.

Dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso 62 malyuun oo qof  waxa uu ganacsiga xooluhu gaadhayaa 85% marka la eego waxyaalaha uu dalka Itoobiya debedaha u iib-geeyo.

Maal-gelinta ay maal-qabeenada Sucuudigu ku samaynayaan xoolaha Itoobiya ayaa la sheegay inay wax weyn ka tarayso heerka ganacsiga xoolaha ee Itoobiya, waxaana ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Sucuudiyaanka ah ee maalgelinta ku samaynaya xoolaha Itoobiya labada nin ee la kala yidhaahdo Al-Xusayni iyo Al-Camuudi oo ka mid ah maal-qabeenada waaweyn ee Sucuudiga.

 

Waxa kale oo ay wararka arintaa ku saabsani intaa ku dareen inay Itoobiya ka qayb qaadan doonto carwo dhinaca ganacsiga ah oo bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa lagu soo bandhigi doono magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada Sucuudiga, carwadaas oo la sheegay inay ka qayb gelayaan ilaa 25 dawladood oo dunida ah. Laakiin marka laga yimaado maal-gelinta uu Sucuudigu ku samaynayo ama ku sameeyey xoolaha Itoobiya waxa kale oo uu Sucuudigu maal-gelin ku samaynayaa quwadda Laydhka dalka Itoobiya, waxaana la sheegay inay mashruucaa ku bixi doonto lacag gaadhaysa ilaa 600 oo malyuun oo doolarka Maraykanka ah.

 

Raadyow Ma Qaloocshe

A. A. Garas

Warka Hambadiisii

Ururrada qooqa siyaasadda la goojinaya ayaa beryahanba jilibka isu dhigay oo afka isa saarsaarayey, waxayna markii ay arkeen Udubaysnaanta dowladda, Maryo-aloolnimadeeda,

Ororodka UDUB iyo il-midhiqlaynta raggii Ilaalada doorashada loo diray – Isku qanciyeen in aanay UDUB-kaa isugu tagaan oo ay mar dhinaciisa dhulka dhigaan haddii kale meel dheer laga eegi doono.

Nugaal

Ergo culus oo ergo Islaameed ah ayaa tegey ceelka Laascaanood ee Nugaal godan. Ergadaas oo tala-qabeenadii Shankaroontu isugu tagtay waxa loo diray inay Isimada ceelkaa fadhiya oo muddo dheer cilankooda la saari waayey oo Shankaroonta u dudayey. Ceelkaas Nuur iyo Naalleeyeba loo dhan yahayba waxay habar faqa odayaasha dhegeysatey ii sheegtay in arrinta ay la tageen tahay in reerkaasi ama Shirshoore-laan ama Shankarroonta soo raaco.  

Maraykaan

Iyadoo laba caana-maal inaga xigto maalintii kal-hore diyaaraduhu muquurteen labadii daarood ee ugu dhaadheeraa Niyuuyoorag iyo taliskii milateriga ee Maraykanka ayaa bac caalami ahi ku xidhantay Reer Maraykan iyo Saancadaalayaashii ay wax isu ahaayeen. Iyaga oo ka baqbaqaya weerar kale oo lagu gaado.

Bacdan oo heer caalami ah waa tii ugu weyneyd ee nooceeda ah, waxaana xaafadaha Maraykan ka seexan waayeen khaakhaayiraad ay qaadsiisay koox Al-Qaacida la yidhaa oo anigu ma aqaane dunidu ka bacawdey.

Eeggana waa kan gabaygii ee dhadhan wanaagsan:

Odaygii Maraykaan ahaa, maah kii hora’e

Waayeel hadaa moodayseen waashe nimankiiye,

Khamri dhacay cabyaa ama cusbaba soo qudhqudhiyaaba,

Baarixi cunyaa ama jabane-qaad ka dheregyaabe,

Ina Buushba waa kaa ka baxay bare islaameede,

Is-maqiiqistiisay habrii Yurub ka yaabeene,

Sidii qaadle suuq wacan heluu giirka kiciyaaye.

Sidii daarihii uga dumeen, maankii laga qaadye,

Inkastuu Afgaanistaan galuu, guluf ku hayl-haylay.

Inkastuu Usaamiyo eryaday gebi al-qaaciida,

Inkastuu ka aarsaday ragguu aanada u haystay

Inkastuu duqeeyoo, cidina ay ka qaban wayday.

Inkastuu digaandigo ka dhigay, raggii duminta loo haystay

Wali cadhiyo ciilbuu qabaa, Carab u haystaaye.

Ninku wuxuu la xayraansan yahay waa mag-doonnimo’e,

Daarihii Maraykaan hadday Carabi bixiso deynkooda,

Ooy labadii laba le’eg dhisaan, ama ka dheerayso,

Oo Soori may Goodh tidhaa, waa maslaxad guude,

Malaa waa la daynlaa, Ciraaq lama duqeeyeene,

Haddii uu sidaa diido oo saajac noqon waayo,

Sitimaankan wuxuu maagan yahay salaw colaadeede

Waa kaa colkii loo salaxay Carab sadqaynlaaye

Sadaam waa salleelee, saddex xilo dalaaq

Wuxuu ku maray inuu sakuumaaye

Suuriya, Libnaan, iyo ilaa Koosafiyo Saylan,

Sucuudiga, Kuwayd iyo Baxrayn, safafka reer Haashim

Saxaraa dhammaantii mar wuu sunsumi dhiigge.

Maraan xalay samada eegay iyo sebenka nawriiska

Suxal naaftay, Cirir soo baxiyo kooshi sarajoogga,

Sida oday ka sheekeegu yidhi amase loo joogay,

Barigaa Galbeed waa inuu surmeeyaaye

Waa seben gumaystuhu qabsado sayladdaa Bariye

Alluunbaa sareeyee ma oga saan-caddaaluhuye,

Soo kiciye duulane siday noqoto aan dhawrno.

Afartaa gantaal saru ka ciyo, sumuc rasaaseed dheh,

Sayruukh Ciraaq lagu ridoo seexday meel dhexe dheh.

 

Maxaa Keenay Colaadaha Bariga Dhexe

Colaada u dhaxaysa Israel iyo Carabta, ayaa ta ugu mihiimsan ee keligeed ah dareen taagan ee ka jira Bariga Dhexe, laakiin arrintaas oo keliya ma aha ta sababta dagaalo iyo khilaafyo ka dhacay Bariga Dhexe sannadihii tegay, waxaa iyaguna jiray xurgufo dhinaca xuduudaha ah oo soo noqnoqday, dhexmarayna dalalka Carabta gudahooda, sida Masar iyo Liibiya, Ciraaq iyo Kuwayt, Suuriya iyo Joordan, iyo dagaalkii sokeeye ee ka dhex-qarxay muslimka iyo masiixiyiinta Lubnaan (1975), kaas oo ay soo faro-geliyeen qaybna ka noqdeen Suuriy iyo Jabhadda Falastiin ee (PLO).

 

Labada dal ee Turkiga iyo Iran, oo aan iyagu ahayn Carab, laakiin Juqraafi ahaan saamayn ku leh Bariga Dhexe, ayaa iyaguna qayb ka ah waxyaalaha ka dhaca Bariga Dhexe.

Inta badan, khiaafyada ka dhaca Bariga Dhexe waa kuwa gaadha heer caalami, sababta oo ah Bariga Dhexe oo ah ilaha ugu muhiimsan ee shidaalka saliida e dunida iyo danaha dalalka waaweyn ee dunida.

Xilliyadii ay dunida ka jireen labada quwadood ee loo yaqaanay (Super Power) ee Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeti,w axay ku lahaayeen saamayn khatar ah, labada dhinac ee ay khusayso qaddiyadda Bariga Dhexe (Israel iyo Carabta).

 

Sannadkii 1960, Soofiyetku wuxuu ka dhisay Bariga Badda Mediterranean-ka, saldhig ciidan badeed oo aad u ballaadhan, wuxuuna siiyay Masar hub fara-badan. Sidoo kale, Maraykanka ayaa ku caawiyay Israel, dhaqaale iyo taageero militeri.

Madaxweynihii Masar ee Sadat, ayaa mar qudha beddelay jihadii xidhiidhka Masar iyo dawladdii Soofiyetiga sannadkii 1972, isaga oo amray in khubaradii iyo ciidamadii Ruushku ay ka baxaan Masar, wuxuun Sadat xidhiidh la samaystay Maraykanak iyo dalalka Caabta, laakiin Saadaat dhammaan xidhiidhkii Masar iyo Soofiyetka muu wada goyn ee wuu sii waday. 1973, ayuu mar labaad dagaal dhexmaray Isreal iyo laba dal oo Carbeed (Masar iyo Suuriya). Sannadkii 1977, ayuu Anwar Saadaat si kedis ah uga degay Jerusalem, wuxuu hadal ka jeediyay Baarlamaanka Israel oo ku soo bandhigay bilowga heshiis nabadeed oo dhexmara Israel iyo Masar.

 

Kadib wada-hadallo dher oo muddo uu dhex-dhexaadiye ka ahaa madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, waxay Madaxweynihii Masar ee Sadat iyo ra’iisal-wasaarihii Israel ee Begin ku saxeexeen heshis nabadeed Camp David, oo ku taala dalka Maraykanka bishii March 1979.

Heshiiskaa Masar, waxay noqotay dalkii Carbeed ee ugu horreeyay aqoonsadana jiritaan dawladda Israel. Iyada oo Israel-na u celisay gobolka Siinaay ee Masar. Sannadkii 1982, ayay Israel ciidamadoodu galeen Lubnaan, iyaga oo halkaa dagaal kaga saaray PLO.

Turkigu saamaynta uu ku leeyahay arrimaha Bariga Dhexe, waxaa keentay, isaga oo xukuma marinka badeed ee u dhaxeeya badda madow iyo Mediterranean-ka.

Iran, halka ay ku taal ee Gacanka Beershiya, oo kaydka saliidaha ee dunida ugu ballaadhan laga helay iyo xuduuda ay Iran la lahayd Midowga Soofiyeti, ayaa Iran siiyay inay ka ciyaarto door staraatiiji ah arrimaha Bariga Dhexe.

 

Guuda ahaan wejiga cusub ee ay dunidu yeelatay, wuxuu ka dambeeyay dhacdadii 11 September, 2001, ee ku habsatay magaalooyinka New York iyo Washington, ayaa keenay wejiga cusub ee dagaalka Argagixisada oo ay ku kala aragti yihiin Maraykanka iyo Isreal, oo isku dhan ah iyo dalalka Carabta oo dhinac u wada jeeda. Tallaabo Milateri oo laga qaado Ciraaq oo uu hoggaaminayo Maraykanku iyo Ra’iisal-wasaaraha Israel, oo sheegay in aanay Isreal gacmaha ka laaban doonin, haddii uu Maraykanku weerar ku qaado Ciraaq, oo ay la safan doonto Maraykanka, ayaa u muuqata arin gaadhsiin karta colaada Bariga Dhexe heer ka weyn kan uu maanta marayo khilaafka Israel iyo Carabtu.

 

 

DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Cumar Daahir Cumar

Isticmaalka Tamarta

Qoraxdu Waa Ilaalinta Degaanka

Wixii ka dambeeyey sannadkii 1960-kii waxa isbedelay isticmaalkii tamarta ee shidaalka sababta oo ah saamaynta iyo waxyeelada uu degaanka aynu ku noolahay u keenaan gubashada batroolka, naaftada iyo gaaska la shitaa ayaa noqotay arimo maalin-ba maalinta ka dambaysa ay waxyeeladoodu ku soo kordhayso degaanka hawada, biyaha iyo dhulka.

 

Dhinaca kale waxay dhibaato ka timi helitaanka waxyaalihii qadiimiga ahaa ee Tamar ahaanta loo isticmaali jirey shidaalka-saliidda ka hor, labadaa arimood ayaa keenay inay dunidu baadi goobto sidii ay u heli lahayd Tamar ka jaban shidaalka-saliidda, kana nadiifsan xagga saamaynta caafimaadka badda iyo degaanka.

Arintan ayaa keentay in tamarta laga helo ilayska qoraxda oo la kaydiyey ay noqoto mid buuxin karta arimaha aynu hore u soo sheegnay ee khuseeya shidaalka ay hadda dunidu aad u isticmaasho.

Waxyaabaha keenay in lagu daadato isticmaalka tamarta cad-ceedda waxa ka mid ah: Ilayska cad-ceedda oo dhulalka dunida intiisa badan laga heli karo xiliga maalinta.

 

Dhinaca kale qalabka korontada ee ku sahqeeya ilayska cad-ceedda kharashkiisu waa qiimaha iibsiga oo keliya intiisa badan, halka qalabka ku shaqeeya shidaalka uu u baahan yahay kharash iib oo la socda isticmaalkiisa, arintanina waxay muujinaysaa in isticmaalka qalabka ku shaqeeya ilayska qaraxdu uu leeyahay faa’iido dhinaca dhaqaalaha ah.

Habab kala duwan ayaa loo qabtaa, loona kaydiyaa ilayska qoraxda, sida rinji madow oo la mariyo gidaar jaajuur ah ama muraayado loo dhigo cad-ceedda oo leh farsamadii qabashada ilayska qoraxda, tii kaydinta iyo u bedelka kolba qalabka nooca loo isticmaalayo tamartaa, sida: Iftiin laydh, mishiin biyood iyo kulayl kaawiyadda dharka ah.

 

Ilayska qoraxdu waa Tamar aan marka la isticmaalo hawada ku darayn qiiq waxyeelo u leh caafimaadka noolaha ku nool adduunka. Marka la eego Wershadaha waaweyni ama kuwa yar yar ee laga dhisto magaalooyinka dhexdooda, iyadoo ay wershadahaasi u baahan yihiin ama inta badan loo isticmaalo mishiino ku shaqeeya Shidaal marka uu gubto sameeya qiiq, guux iyo wasakhayn kale oo ah halka uu yaalo mishiinkaasi ayey u muuqataa in sida suurta galka ah ee kaga haboonaan lahayd ay tahay isticmaalka qalab ku shaqeeya tamarta cad-ceedda oo hadda ay meelo ka mid ah dalalka aduunku ku dhaqmeen inay u isticmaalaan Wershadaha, taas oo ah go’aan loo qaatay sababo ay dadkaasi ku lexo-jeclaynayaan inay ka bad-baadiyaan degaankooda waxyeelada la taabtay ee ay keento isticmaalka saliidaha kala duwan ee dunida lagu isticmaalo.

 

Inkasta oo ay Somaliland in muddo ah yaaleen qalab ka mid ah, kuwa ku shaqeeya iftiinka qoraxda, dadka qaarna ay isticmaaleen, haddana waxa muuqatay in ilaa hadda aanu fahamka iyo isticmaalka qalabkaasi aanu gaadhin halkii uu ku joojin lahaa waxyeelada isticmaalka shidaalka oo hadda ah nooca ugu badan ee dadkeenna u adeegsadaan ilaha tamaraha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan qalabka aynu u adeegsano nolol maal-meedkeenna.

Marka la eego sida ay Somaliland u tahay meel cad-ceeddu u soo baxdo maalin walba oo ka duwan dalal adduunka qaarkood oo uu iftiinka cad-ceeddu xiliyada qaarkood diiq ku yahay, taas ayaa noqon karta sabab macquul ah oo loo doorto nooca tamareed ee aad loogu isticmaalo dalkeenna inay noqoto ta laga kaydiyo cad-ceedda, taas oo u adeegaysa mabaadi’da daryeelka degaanka ee hadda ay indhaha iyo wax ka qabashada hab-dhaqanka dhibaatada u keenaya ay yihiin kuwa aad looga digo dunida. Dalalka qaarna ku keliftay inay samaystaan sharciyo u danaynaya sida ugu wanaagsan ee uu degaanku ku noqonayo mid ka fayow waxyaabaha halista geliya noolaha ku nool ee uu dadku ka midka yahay.