Haatuf, Cadadki 161, Sep. 17, 2002

Guddiga Doorashooyinka Oo

Sheegay In Dib-U-Dhigistu Tahay Fursaddii U Dambaysay Ee Doorashada

“Haddii doorashadu tahay go’aan ummadda ka yimi way hirgelaysaa, haddiise uu dad yar ka yimi ma hirgelayso”

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka – Shir-Jaraa’id

Hargeysa (Haatuf): Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday in muddada labada bilood ah ee dib loo dhigay doorashada Golayaasha Deegaanku ay tahay fursaddii u dambeysay ee doorasho dalka ka dhacda, iyadoo aanay suurta-gal ahayn dib-u-dhigis dambe, haddii wakhtigaas laga faa’iidaysan waayo.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Axmed X. Cali Cadami oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Raadiyow Hargeysa, kaas oo uu faahfaahin iyo caddayn dheeraad ah kaga bixiyay go’aankii guddigu uu dib ugu dhigay wakhtiga doorashada golaha deegaanka, waxa uu walaac ka muujiyay diyaar-garowga doorashooyinka ee dhammaan dhinacyada ay khusayso, ama ku taxaluqa.

Doorashada ugu horreysa ee Golayaasha deegaanku, ayaa Guddigu hore ugu cayimay in ay dalka ka dhacdo 27 Okt. Hase yeeshee, dabayaaqadii toddobaadkii hore ayaa guddigu soo saaray go’aan kale oo uu dib ugu riixay doorashadaas ilaa 15 Dec 2002. Dib-u-dhacaas oo uu guddigu ku macneeyay in ay ka horreyso guddiga diiwaan-gelinta axsaabta oo aan u gudbin guddiga ururada ku najaxay in ay ka qayb-galaan tartanka, isla markaana ay tixgeliyeen in ururada Siyaasadda iyo hay’adaha u xilsaaran doorashada ay fursad u hellaan in ay qabyo tiraan hawlaha doorashada.

Hase yeeshee, guddigu   waxa uu ka cawday in siyaalo dhawr ah oo kala duwan loo macneeyay go’aankaas, gaar ahaan saxaafadda. Sidaas darteed, Guddoomiyaha Guddiga, Mr. Cadami waxa uu shirkaas jaraa’id ku caddeeyay in go’aankaas uu guddigu ku dhiiraday kadib, markii ay u muuqatay in dhammaan dhinacyadu aanay samayn diyaar-garowgii loo baahnaa, si aan loogu baraarugin uu marka la gaadho maalinta doorashada, iyadoo aan waxba diyaar ahayn. Waxa kale oo uu beeniyay in muddadan cusub ee loo cayimay dorashada Golaha Deegaanku ay meesha ka saarayso doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ama ay xad-gudub ku tahay wakhtigii loo cayimay doorashadaas, isaga oo ku dooday in muddo kordhintani aanay ka baxsanayn muddadii sharcigu u qarriray doorashada deegaanka labada doorasho aanay dhibaato lahayn, ayna u arkaan hawl-fududayn, waxana uu intaas ku daray in dawladda, ururada Siyaasadda iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh doorashooyinka oo uu ku jiro guddigoodu aanay ka soo wada-bixin waajibkoodii, dhalliishana ay wada leeyihiin. Laakiin, waxa uu sheegay in iyada oo dhinacyada oo dhan ay u muuqdaan qabyadaas iyo diyaar-garow la’aantaas, haddana cid waliba ay ka gabatay in ay caddayso in aan doorashooyinku qabsoomayn.

“Waxaanu is-tusnay in aanu ka hor-degno wakhtiga oo hadday kheyr leedahay iyo hadday eed leedahay-ba aynu ku dhiirano dib u dhigga,” ayuu yidhi Cadami, waxana uu sheegay in ay xog-ogaal u yihiin qabyada iyo tabaabushe la’aanta dhinac kasta ka jirta.

“Waa wax aynu hadda caadaysanay oo cid waliba eed ka carar waxa la yidhaa oo aan awel dhaqan inoo ahayn baa yimi,” ayuu yidhi, isaga oo ka waramaya xaqiiqada laga war-wareegayo ee ah in aanay cidina la iman dedaalkii iyo diyaargarowgii doorashooyinka.

“Cid qiranaysaana ma jirto, masuuliyadaas aniga ayaa leh oo Illaahay iyo taariikhda iyo ummadduba igula xisaabtamaysaa, anigaana u badheedhay oo ra’yigaa cad ka dhiibtay, qofka odhanayaana wuu yar yahay,” ayuu yidhi.

Mr. Cadami, wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dhinacyadu ay u badheedheen, una sheegeen in ay muuqato in dib loo dhigo doorashada, laakiin taasi aanay afkiisa ahayn, isla markaana ay kaga bakhayleen in ay cod buuxa ku soo bandhigaan arigtidooda, isaga oo sheegay in dhaqankaas is-diidsiinta xaqiiqdu uu yahay mid ka soo jeeda Xamar oo laga dhaxlay Midnimadii Soomaaliweyn.

“Diyaargarowga la wada sheegto ee nin waliba uu yidhaahdo aniga wax dhulka iga yaallaa ma jiraan Waa ‘Tuti aboostadii’ Xamar laga bartay,” ayuu yidhi Mr. Cadami, waxana isaga oo arrintaasi sii sharaxaya yidhi; “Iyadoo dunidu isku dhalaashay oo hadda la qaxayo, ayuu reer Xamarku (Walaweyntu) ku odhanayaa ‘Tuti aboosto’.”

Cadami, dhaqankaa laga been sheegayo xaqiiqada, wuxuu u bixiyay Tuti aboostayn.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinku, waxa uu ka waramay sidii hawsha doorashadu ku bilaabantay, isagoo sheegay in bilowgiiba guddigu saluugay u heellanaanta doorashooyinka, dhinacyada ururada siyaasadda iyo xukuumadda-ba. Sidaas darteed, ayuu guddigu goostay inuu muddeeyo doorashada u horaysa, taas oo ay u arkayeen in ay tahay Maayad dhaqaajin karta doorashada, laakiin taasina way shaqayn wayday.

“Eed ka carrar wax ma tarayo, eed qof aan lahayn dusha laga saaraana dalku dhafoorkaa uu maanta leeyahay bay u yeeshay,” ayuu yidhi Cadami, isagoo guddiga ka baraxaya eedda looga soo jeediyay dib-u-dhaca doorashooyinka ku yimi. Waxa kale oo uu yidhi; “ Xaqiiqda aan cidina ka baxsan karin waa cid waliba waajibkii laga rabay 50% haddaanay ka hoosayn muu qaban weeye.”

Cadami waxa kale oo uu sheegay in doorashadu ay qabsoomi karto kaliya marka ay ummaddu u diyaar tahay ee ay iyada ka soo go’do.

“Weli macnuhu wuxuu ku fadhiyaa, haddii go’aanku yahay mid ka yimi dadweynaha iyo mujtamaca qaybihiisa kala duwan-na doorashadu way hirgelaysaa, hadduu dad yar ka yimi-na ma hirgelayso,” ayuu yidhi.

Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In

Idaacaddu Dhex U Noqonayso Ururada Siyaasadda

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland, C/laahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in Wasaaradiisu dhexdhexaad ka noqonayso arrimaha doorashooyinka oo ay si siman iyo cadaalad ah ugu xaqsoori doonto ururada siyaasadda.

War-saxaafadeed uu wasiirku shalay soo saaray wuxuu ku sheegay in aanu jiri doonin urur sed-bursiinyo laga siiyo barnaamijyada ka baxa idaacadda, marka la gaadho wakhtiga ololaha doorashooyinka.

Go’aankan cusubi, wuxuu ka dhashay kulan dhexmaray Wasiirka iyo Guddida Doorashooyinka, laguna gorfaynayay sidii xal loogu heli lahaa cabashada joogtada ah ee ka imanaysa ururada Mucaaradka ah.

War-saxaafadeedka Wasiirku, wuxuu u qornaa sidan:

“Iyada oo horeba Siyaasadda Wasaaraddu ay ku qotontay dhexdhexaadnimo, ayaa haddana Wasaaradda iyo Guddida Doorashooyinku isla qaateen in Wasaaraddu dhexdhexaad ka ahaato arrimaha doorashooyinka. Haddaba marka laga hadlayo nidaamka xisbiyada badan, wasaaraddu waxay ku shaqaysaa dhexdhexaadnimo ay u siman yihiin dhammaan ururada siyaasaddu. Ma jiro barnaamij gaar u ah urur-siyaasi ah oo ka baxa Idaacadda Radio Hargeysa.

Marka Guddida Doorashooyinku soo cayinto bilowga ololaha doorashooyinka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelintu, waxay ballanqaadaysaa in ay si siman oo dhexdhexaadnimo ku sallaysan u sii dayn doonto odhaahda iyo arrimaha la xidhiidha doorashooyinka ee ururada siyaasiga ah, sida uu qeexayo dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka dalku.”

Weftiga L/Caanood Oo Xog-

Warramay Halka Ay Marayaan Hawlahoodu

Laascaanod (Haatuf): Qaar ka mid ah weftiga Salaaddiinta Somaliland ee booqashada ku jooga magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool oo ay weheliyaan Isimo iyo odayaal reer Sool ah ayaa shalay tegey deegaanka degmada Yagoori, halkaas oo ay colaad iskaga soo horjeedaan Beelaha Fiqi-shinni iyo Reer Cilmi oo deegaankaas wada dega.

Colaadda u dhexaysa labadaas ardaa ayaa ka mid ah shaqaaqooyinka gobolkaasi ka aloosnaa ee ay weftigu ka hawlgaleen ka hor inta aanay u gonad-degin ujeedadii ay gobolkaa u tageen. Waxayna wegtiga iyo odayaasha la socdey ay gaadheen jiidda ay isku horfadhiyaan labada ardaa, halkaas oo ku guddoomiyeen xabad-joojin rasmi ah oo labada dhinac dhexmarta, kadibna la galo xallinta mushkiladda.

Haddaba, Weriyaha Haatuf ee magaalada Burco Liibaan Maaweel oo hadda ku sugan magaalada Laascaanod ayaa habeenkii Isniintu soo gelaysey (Habeen hore) xogwarran kala yeeshay weftiga waxyaabaha u qabsoomay ilaa iyo hadda iyo waxa ay filayaan inay qabtaan. Waraysigaas oo ay wadajir uga jawaabayaan Ku-xigeenka Madaxa weftiga Suldaan Sheekh Muuse Jaamac Goodaad, Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) iyo Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, waxana uu u dhacay sidan:

S/Haatuf: Waxaad ugu horrayn warbixin naga siisaa mudadii aad halkan joogteen wixii aad qabateen?

J/=Sh.Muuse Jaamac Goodaad: Marka hore waxaannu halkan nimi maalintii Axaddii ee bishu ahayd 8/9/2002. galabnimo ayaannu halkan nimi, maalintii Isniintiina waxaanu la kulanay qoladii dilka loo geystey ee caaqilkii la diley oo aanu tacsi ugu tagnay beel ahaan sida uu u dhintay baanu uga tacsiyeyney, abaalgud inay uga dhigaan nabad taas baannu maalintaa Isniintii qabanay. Maalintii xigtey ee Talaadadii waxaanu qabanay in aanu Qoyskii hoose – wiilashii uu dhalay marxuumku, walaaladii, adeeradii iyo intii kale ee qoyska ee mahuraanka u ahayd iyagii baanu ku nidhi waxba ficil xun ha ka daba soconinee iska samra. Marka labadaas maalmood intaas baanu qabanay.

Haatuf: Ujeeddadii aad u timaaddeen gobolka maxaa ilaa iyo hadda idiinka qabsoomay?

Sh.Muuse: Ujeedadii aanu u nimi nabadayn baa ugu weynayd, nabad marka la helo ayaana wax la qaban karaa, haddii arrin siyaasadeed loo gudbayo, haddii arrin horumar loo gudbayo iyo haddii arrin wax qabad loo gudbayo intaas oo dhan nabad baa ka horraysa oo aannu u nimi. Maalintii Talaadadii ka dambeysey waxa aanu bilawnay inaanu la shirno reerkii geystey ee uu Garaad Saleebaan Garaad Maxamuud odayga u yahay, si fiican baannu ula hadalay, si fiicanna waa naloo soo dhoweeyey, wixii waajibkayagu ahaanna waannu u sheegnay oo ahaa in ay nabadda meesha ku soo dabaalaan, reerkii gacanta loo geysteyna ay u tacsiyeeyaan, tolkana ay arrinta u dhiibtaan. Markaa waxay noo sheegeen inay arrinta u dhiibayaan Dhulbahante-weyne oo aanu ku jirin Maxamuud Garaad (Labada reer ee dhibtu kala gaadhey), taas baana ugu weyn waxyaabaha aannu qabanay. Taasi marka ay hagaagto, sidaan u wada noolaanaa, sidee dadkeennu mid u ahaadaa iyo sidee ayaynu meel isugu tagnaa weeye arrintayadu.

Haatuf: Dhinaca nabadda arrintani markii ay dhammaatay maxaad ku xejiseen ama ku xejin doontaan?

Sh.Muuse: Nabadda waxa aannu u kala qaadnay saddex arrimood oo kala ah arrinta Caaqilka dilkiisii ee Laascaanod gudaheeda, midda kale waa colaadda Reer Cilmi iyo Fiqi-shinni iyo ta saddexaad oo ah Jaamac Siyaad iyo Sacad Yoonis. Tan Laascaanod gudaheeda ka dhacday haddaanu meel ku ogaanay, waxaannu u baxaynaa berrito (Shalay) oo Isniin ah Fiqi-shinni iyo Reer Cilmi oo aannu ilaa Yagooi ilaa Waxari-ka-ciday u tegi doonno arrintaas iyadoo ay na hoggaaminayaan Garaaddo,Ugaasyo iyo Salaadiin Reer Laascaanod ah iyo weliba labada beelood dadkoodii, ilaa ay soo gebagebowdona war naga helimaysaan qoladiinna saxaafaddu.

Haatuf: Ma waxaad is-raacaysaan Isimada Reer Sool oo dhan, mise qayb ka mid ah baa idin raacaysa?

X.Cabdi Waraabe: Isimada reer Sool oo dhami nama wada raaci karaan ee intii ku haboon ee ay u soo qaybiyaan uun baa na raaci oo aan jecelanay inay kala yihiin: Ugaas Cabdillaahi Ciise, Garaad Abshir Saalax, Garaad Cabdisalaan Xasan iyo Suldaan Siciid Cismaan ayaa na raacaya sida ay noo soo sheegeen Isimada wax qaybinayaana Maxamuud Garaad marka laga reebo waa kuwii kale ee Dhulbahante oo aan labadaa jilib ee aanadu kala gaadhey ahayn.

Haatuf: Waxaad la kulanteen dad badan oo aan Isimada ahayn, balse isugu jira Cuqaal iyo Indheergarad, markaa rajo intee le’eg ayaad ka qabtaan inaad ku guuleysataan arrimihii aad u socoteen?

X.Cabdi: Horta reer Buuhoodlena miisaan buu u yimi halkan, hoggaan-dhaqameedkoodii iyo cuqaashoodiiba. Kolkaa dadka aanu aragnay dad dhaqankii Soomaalida haya weeye oo aan hiddihii iyo dhaqankii ka guurin oo jecel dadkan araggiisa oo xiiso u qaba, hadday tahay dhallinyaradooda, haweenkooda iyo odayaashooduba, dad jecel dadkan oo aan cilladi ugu jirin baanu aragnay. Waxa aannu rajo ka qabnaa ummaddu wax bay kala sheeganaysaa ee waxba iskuma diiddana, si wanaagsanna waa naloo soo dhoweeyey si wanaagsanna inaanu ku kala nimaadno rajo weyn baannu ka qabnaa.

Haatuf:  Waxaad si guud iyo si gaar-gaar ahba kulamo ula yeelateen Isimada deegaanka, intee in le’eg ayaad is-leedihiin waad kasbateen?

Sh.Muuse Goodaad: Jawaabtaa aniga ayaa uga horraynaya Odayga (Xaajiga). Arrinta aannu ka wadahadalay waxay ahayd nabadda, nabaddiina meel fiican baannu isla joognaa, mahadna way nooga celiyeen, waxayna na yidhaahdeen dadku isma indha-buuxiyee idinkaa la idiin debecsan yahaye arrimaha dadkan aad gacanta u saara, anana waannu ka aqbalnay, iyana way nala wadayaan. Markaa hadduu aannu taasba ku heshiiney tu kalena isku diidi mayno.

X.Cabdi: Talada anagu mid qudha oo aannu sidano uma (soconno) jeedno. Kolkay beeshu dhexdeeda nabaddu ka hagaagto wixii kale ee aanu isla garanno ee weliba ay iyagu hormood ka yihiin weeye ujeedadayada aannu ku kala tegaynaa, dhammaantoodna ay ka raalli  yihiin.

Haatuf: Ma jirtaa wax kale oo aad is-leedihiin aad wax ka qabateen xagga nabadda oo aan saddexdaa arrimood ahayn?

X.Cabdi: Wax badan oo dhacay oo ay madax-dhaqameedkooda, guurtidooda, culima-udiinkooda iyo waxgaradkoodu ay wax ka qabteen oo badan baa jira. Siday xaggaasba wax u dhindhiman yihiin waxna waa ka dhindhiman yihiin, waxaasna waxa aanu qabnaa marka ay hoggaan-dhaqameedku iyo odayaasha beeshu isu wada yimaaddaan ay u hagaagto, wixii hoose ee ka dhimmana ay iyagu dhammaysan doonaan.

Haatuf: Waxa la sheegay in ilaa 21 xubnood oo ka mid ah waxgaradka reer Laascaanood ay diideen arrimahan aad waddaan, taas maxaa ka jira?

Sh.Muuse Goodaad: Arrinta nabadda ee aannu wadno wax ka horyimi ama dareen ka qaba ama diidmo ka qaba maanu arag, wax nagu hambalyeeya mooyee wax diiddan maanu arag. Taasi waxaan u malaynayaa waa waxyaabaha la iska samaynayo ee ay ka mid yihiin X.Cabdiba wuu noqday. X.Cabdi Waraabe oo weftiga ka mid ahaa wuu noqday ayaa suuqa naga soo gaadheysa, waxyaabahaas uun bay ka mid tahay. Wax beeshatan aanu u nimi oo nabadda ama arrimaha aan u nimi  oo amba dhallinyaro ah ama culimo ah ama Isimo ah – isku soo wada duuboo oo arrimahaa wax ka sheegayaa ma aanu arag. Waxaan u malaynaynaa idinkay idinku egtahay intiinan wax na weydiinaysa.

Haatuf: waxa kaloo la leeyahay sababo nabadgelyo awgeed, weftigu uma baxo magaalada, gaar ahaan xubno idinka tirsan, taasi ma jirtaa?

Sh.Muuse Goodaad: (Inta uu aad u qoslay) taa qosol baan kaga jawaabayaa, waxaanan u dhaafayaa Xaajiga (X.Cabdi Waraabe).

X.Cabdi: Waxa weeye Sheekh Muuse wuu kugu qoslay, wax lagu qoslose hadalka sebenka jooga maaha, markaa anigu waxaan leeyahay magaalo wax ha ka dhaceene uu dadkeedu ka saafisan yahay weli ismaan dhextaagin intaanu dowladnimada qaadanay. Hadal baydhsan iyo waxyaabahaas midna laguma hayo.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa isaguna beelaha colaaddu u dhexayso wuxuu ugu baaqay inay nabadda ayidaan, dagaalkana ay joojiyaan. Weftigii u baxday shalay Yagoorina waxay dib ugu laabteen Laascaanod xalay fiidkii iyaga oo ku guuleystey hawshii ay halkaa u tageen. Colaadda labadaas beelood oo soo jiitamaysey ilaa 1997-kii ayaa weftigu rajo weyn ka qabaan inay soo afjaraan oo xal buure ah laga gaadho.

Qorshe Laga Shakiyay In Lagu Inqilaabayay C/Laahi Yuusuf Oo Fashilmay

Garoowe (Haatuf):  Iyadoo dhawrkii maalmood ee u dambeeyeyba laga soo sheegayey  magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul-goboleedka Puntland qas iyo xiisad oo ka dhalatay khilaaf iyo loollan awoodeed oo ka dhex aloosan maamulkii uu dhowaan dhisay Col.Cabdillaahi Yuusuf ayaa warar xalay soo baxay waxay sheegayaan inuu fashilmay inqilaab ay qorsheeyeen saraakiil ka tirsan maamul-goboleedka oo ay doonayeen inay awoodda kaga tuuraan Col.Cabdillaahi Yuusuf oo waqtigan arrimo caafimaad dibadda ugu maqan.

Sida ay sheegayaan warar Laascaanod soo gaadhey oo aan sugnayn waxa shalay Garoowe lagu xidhay Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamul-goboleedka iyo Cabdisamad Cali Shire oo ah Taliye-kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta ee Cabdillaahi Yuusuf. Ma cadda sababta loo xidhay raggaas oo labaduba ka soo jeeda Gobolka Sool, waxaase la filayaa in xadhigoodu ku xidhiidhsan yahay inqilaabka la sheegayo inuu fashilmay. Wararku waxay intaa ku darayaan in uu xadhigaas fuliyey Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo ku sugan Puntland.

Shabakadda Internet-ka ee Puntlandpost ayaa iyaduna shalay qortay warar la isla dhexmarayo Garoowe oo sheegaya in uu dhicisoobey inqilaab ay qorsheeyeen koox saraakiisha ciidamada iyo xubno maamulka Cabdillaahi Yuusuf ah. Warkaasi waxa uu intaasi ku daray in dareenka ku saabsan inqilaabku uu ka soo baxay shir gaar ah oo ay Sabtidii, Sept. 14,  xarunta maamulka gobolkaas ee Garoowe ay ku yeesheen Saraakiil, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo wasiirro. Axaddiina sarkaal ka tirsan guddi uu Cabdillahi Yuusuf ugu yeedhay Guddiga Xaaladda deg-degga ah ayaa Idaacadda Gaalkacayo ka sheegay in ay socoto baadhis ku saabsan dareenkii ka dhashay shirkaas.

Axmed Cabdi Xaabsade oo ah guddoomiyaha Guddida Xaaladda Deg-degga ah iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo M/kuxigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo isku beel ka soo jeeda ayaa beryahanba la sheegay inuu ka dhex socdey loollan awoodeed oo jaahwareer dhaliyey, iyada oo mid waliba uu gaarkiisa isugu haysto inuu yahay kusimaha Cabdillaahi Yuusuf. Wararka qaarna waxay sheegayaan in Cabdillaahi Yuusuf midba si gaar ah ula sii ballamay. Sidoo kale, Cabdisamad Cali Shire ayaa warka shabakaddu faafisay lagu sheegay inuu qayb ka yahay khilaaf xoogan oo ka dhex aloosan saraakiisha sarsare ee ciidanka Cabdillaahi Yuusuf.

Ma jiraan warar rasmi ah oo weli ka soo baxay arrintaas.

Laba Nin Oo Reer Sool Ah Oo Is-Gubay 11 Sept Iyagoo Ka Xun Duminta Daarihii Mataanaha Ahaa Ee New York

Laas-caanood (Haatuf): Laba nin oo jaad-walayaal ah oo u dhashay deegaanka gobolka sool ayaa dhaawacyo kala duwani gaadheen ka dib markii ay habeenimadii 11kii Sep isku gubeen meel 15km u jirta magaalada Gallaadi ee Gobolka Wardheer ee Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya, iyagoo ka tiiraanyaysan dumintii daarihii mataanaha ahaa ee Maraykanka, oo xuskii sanad-guuradii koowaad habeenkaas ka socday magaalada New York.

Siduu soo tebiyay wariyahayaga Liibaan Maaweel Shire oo ku sugan magaalada Laas-caanood, laabadaa nin oo magacyadooda lakala yidhaahdo Maxamed Jaamac Saalax iyo Dhoodi Xasan C/laahi, sababta ay isku gubeen waxa lagu macneeyay inay ahayd mid ay ku muujinayeen inay ka xun yihiin falkii argagixisada ahaa ee ka dhacay Maraykanka, laguna dumiyay daarihii xarunta Ganacsiga adduunka (nimankani waxay jaad geeyeen magaalada Gallaadi, gaadhi yarna way wateen, ka dibna intay galaadi ka soo ambabaxeen ayay meel 15km u jirtay markay marayeen ay gaadhigii joojiyeen. Dabadeedna inta ay ka dageen ayay intay batrool iyo khamri isku rusheeyeen, ay dab isku qabteen, iyagoo ka tiiraanyaysan daarihii mataanaha ahaa ee New York” sidaa waxa yidhi Chief Caaqil Cabdi Jaamac Cabdi oo caaqil u ah ardaaga labada nin ee isgubay ayka dhasheen. Caaqilka oo magaalada Laas-caanood ugu waramayay Haatuf, wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi “iyaga laftoodu waxay sheegeen iyagoo daaraha mataanaha ahaa ay metelayeen inay isku gubeen”.

Warku wuxuu intaa ku daray in labada nin-ba uu dabkii gaadhsiiyay dhaawac, isla markaana ay nool yihiin ee aanay dhimanin. Hase yeeshee Dhoodi Xasan C/laahi oo lagu daweynayo Cusbitaalka Laas-caanood, waxa la sheegay inuu dhaawac halis ahi gaadhay. Balse Maxamed Jaamac Saalax ayaa isaga dabkaasi dhaawac fudud gaadhsiiyay, waxaana la sheegay inuu hadda ku xidhan yahay xabsi ku yaalla tuulo lagu magacaabo Bookh oo ku taala deegaankaasi.

Inkasta oo dhacdadani 11kii Sep ay saamayn ku yeelatay Caalamka, haddana waa markii u horeysay ee fal noocan oo kale ah oo la xidhiidha dhacdadaasi uu ka dhaco dhulka soomaalidu degto guud ahaan.

Ururka SAHAN Oo Fagaare Kala Hadlay Dadweynaha Boorama

Boorama (Haatuf): Madaxda ururka siyaasiga ah ee SAHAN, ayaa shalay dadweynaha reer Boorama kala hadlay fagaaraha Kheyriyadda ee Xarunta Gobolka Awdal.

Weftiga SAHAN oo ay hogaaminayaan gudoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Dr. Gaboose iyo X. Diini. Waxa kale oo ka mid ahaa xubno doorra oo ka tirsan golaha dhexe ee ururka SAHAN.

Sida uu ku soo waramayo Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar (Hayne), weftiga SAHAN waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweyne aad u tiro badan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Boorama.

Weftiga SAHAN oo muddo saddex maalmood ah ku sugnaa magaalada Boorama, ayaa kulanka ay dadweynaha kula hadleen waxay caddeeyeen in aan ururka SAHAN burburin, si fiicanna uga shaqeeyo dalka oo dhan, diyaarna uu u yahay ka qayb-galka tartanka doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha dhawaan loo doortay hogaanka ururka, Dr. Gaboose oo kulankaa isu soo baxa ah dadweynaha kala hadlay, ayaa ka mahadceliyay sidii loogu soo dhaweeyay Boorama, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo fiican oo tusaale u noqon karta, sidii ururku hawlihiisa gobolka u sii xoojin lahaa. Waxa kale oo Dr. Gaboose ku celiyay mowqifkooda siyaasadeed oo ah in ay diinta Islaamka dalka ku xukumi doonaan, haddii ay ku guulaystaan talada dalka.

Dr. Gaboose oo ka hadlaya arrintaasi, wuxuu yidhi; “Dalka waxaa lagu xukumaa buuggii Muuseliine oo xataa Talyaaniga oo uu u dhashay ay iska daayeen isku xukunkiisa, iyo buuggii uu ka tegay gumaystihii Ingiriisku.”

“Wax aadame sameeyay sidiisaba roob ma keeno,” ayuu ku daray Dr. Gaboose.

Gudoomiyaha SAHAN oo ka hadlay Marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray, ayaa dadweynaha Boorama ka codsaday in ay nabadgelyada adkeeyaan, isla markaana ay dhawaan midnimada qaran-nimada Somaliland, taas oo buu yidhi aanay la’aanteed suurto-geli karin doorashooyinku.

Dr. Gaboose oo ka hadlaya Marxaladda Siyaasadeed ee wakhtigan wadanku ku sugan yahay, wuxuu sheegay in loo baahan yahay isbeddel siyaasadeed oo dalka ka dhaca.

X. Diini C/laahi Hande oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee SAHAN,  oo isna munaasibaddaa ka hadlay, ayaa ku celceliyay in aanu ururkoodu burburin oo xafiisyadiisuna si fiican dalka oo dhan uga hawl-galaan. X. Diini oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Gobolka Awdal, wuxuu kaloo sheegay sida ururkoodu diyaarka ugu yahay ka qayb-galka doorashooyinka, wuxuuna sheegay in ay shareecadda Islaamka dalka ku xukumayaan, haddii ururka SAHAN doorashada ku guulaysto.

Inj. Axmed Keyse oo ka mid ah golaha dhexe ee ururka SAHAN, ayaa hadal kooban oo uu dadweynaha u jeediyay uga mahadceliyay dedaalka hagar-la’aanta ah iyo taageerada buuxda ee ay reer Awdal ururkooda la barbar taagan yihiin.

Xubnihii kale ee ka hadlay Munaasibadii shalay ee Fagaaraha Khayriyadda Boorama, waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha ururka SAHAN ee Gobolka Awdal, Mustafe Maxamed Cali iyo xubno kale.

“M/Weyne Milil Guudkii

Lama Dhayo, Ee Laba Mid Soo Gal”

C/laahi Saalax – Mudane Golaha Wakiillada

Hargeysa (Haatuf): Xildhibaan C/laahi Saalax Cali oo xubin ka ah Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si weyn u dhaliilay siyaasadda Madaxweyne Rayaale oo uu ku tilmaamay inuu ka leexday waddadii toosnayd, ee hogaaminta dalka.

Mudanuhu wuxuu M/weynaha ku canaantay tallaabooyin dhawr ah oo uu sheegay inaanu ka fiirsan ku dhaqaaqidooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin socdaalkii uu ku tagay dalka Jabuuti, wax ka badelkii garsoorka iyo arrimo kale oo badan.

Qoraal uu mudanuhu arrimaha kaga hadlayo ayuu soo gaadhsiiyay Wargeyska Haatuf, qoraalkaasina wuxuu u qornaa sidan.

“Alle ha u naxariistee M/weynihii hore wuu geeriyooday, xilkiina waxa la wareegay M/weyne Rayaale. Talaabaddii  u horeysay ee uu M/weynuhu qaadayna waxay ahayd inuu doorto M/weyne ku xigeen waa sax waana loo ansixiyay. Waxa M/weynaha looga fadhiyay talaabadiisii labaad inay ahaato inuu dhiso golihiisa Wasiiradda baarlamaanka hor keeno si loogu ansixiyo (hadday doonaan kuwii horeba ha ahaadeene), mase ay dhicine, Mr. Rayaale wuxuu galaa bixiyay, safarro dibadeed oo aan cidi la ogeyn. Arrintaasina waxay keentay firkanax iyo looma fadhiyaan, waase laga gaabsaday qofba siduu doono ha u arkee. Intaa ka bacdi waxa ku xigtay tallaabooyin fulineed oo ay ka mid yihiin wax ka bedelka garsoorka, garo oo welina cidda kaliya ee xukuumaddii ka ansaxsani waa isaga iyo ku xigeenkiisa, mar kalena wuxuu ansaxsaday wasiiradii maamulkii hore ku qabyoobay sidii loo eegayay bal halka Siyaasadda Rayaale ka cago taagto. Iyadoo  weliba hiil iyo hooba loola diyaar yahay ayuu mar qudha M/weynihii cusbaa ee dalku UDUB ka hilaacay oo yidhi sidii rag horeba odhan jireen waa inoo tartan ninkii wax isla hayow miidaanka yaan lagaa waayin.

Tartanku ceeb maaha garina laba nin kama wada qosliso waxaase yaab leh mahadhona reebtay UDUB miyaanay ahayn tii eelkuba ka dhacay, weger baa la wada yidhi waxna waa dambeeyaan.

Maalintaa si weyn baa loo wada dareemay qofba si ha u arkee, Waase la isu muuqday (Ninba timo xarmar).

Anigu maalintaa waxanba xusuustay oo markiiba qub igu yidhi hadalkii M/weyne Rayaale B.B.C-da ka yidhi ee ahaa (tubtii marxuumkii jeexay baan raacayaa). Ku gartay Fardheere.

Haddaan in yar waxan ku nasanayaa UDUB iyo Xukuumadda, oon aan midba wax yar ku odhanayo. Xukuumaddu waa UDUB, UDUBna waa Xukuumadda.

Waxaynu wada ogsoonayahay oo dalalka dimuqraadiga ah ka jira in xisbiga doorashada ku guulaystaa dalka hogaamiyo waase markee?. Waa marka doorasho uu ku yimaado xisbigu ee axsaabi jirto.

Taa ka kaalay maanta inaga dawladnimadeenu waxay ku dhisan tahay qaab beeleed. Axsaab umaynu gudbin doorashana ma dhicin. Haddaba waa su’aale goormaynu ururka UDUB la yidhaahdo talada u dhiibanay? Maxaa Xukuumaddeenii UDUB ka dhigay?  Ma  waxa suuro-gal ah anagoo awoodii dalka gacanta ku haysana nala tartama?. Taasi mid macquula ma aha hunguri wax ka weyn la mariyaana wuu dilaacaa.

Haddaba, ururada Siyaasadda iyo bulshadaba waxaan leeyahay arrinku waa gabaygii Faarax Nuur ee ama yeela ama diida gabaygu wuxuu yidhi. (Waa la is qiyaameynayaa Arabka qaarow’e, Booraan afkii laga qafilay qabarna hooseeyo, ma anaa mindiyo la ii qarshaa la igu qali doono)

Madaxweynaha waxaan leeyahay M/weyne milil guudkii lama dhayo hadalkana haddaan runta laga sheegin wax ka xun baa laga sheegaaye laba mid soo gal.

1.       Inaad xilka tirisid adiga iyo reer UDUB ba oo sida ururada kale aad u soo tartantaan.

2.       Inaad ka tanaasushid Murashaxnimada doorashadana dhex ka noqotid (waa inta aan doorashaba la gelin) soona dhistid xukuumad loo dhan yahay.

Laakiin kaa socon mayso UDUB oo xukuumaddii ah dooro sidaad gaadiidka dawladda iyo guryahaba ku sharaxdeen.

Maan-ragna waa mudacyo afkii, geelana waxa loogu heesaa (hawdka karantiyo, hilaacyada barri iskuma heshid mid uun ku hadhoo mid uun ku hagaag)

Hadalkaygana waxaan ku soo gunaanadayaa la heshiin maayo inta Xukuumaddu UDUB tahay, marka khaladka farta lagu fiiqona la odhanayo nala tartama oo haddaad wax isla haysaan miidaanka kaalaya.

Maandhe M/weyne taladu yay kaa hoosine dib u xisaabtan sidan hortaa jireba laga diidye.

Aan ahayn haddaad rag ka heshaan waa nasiibkiin”.

Alle talada teeda toosan ha ina solansiiyo aamiin

Aqoon Is-Weydaarsi Ku Saabsan (HIV_Aids) Iyo Cudurada Galmada (STD) Oo Ka Furmay Hotel-Ka Maansoor

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-gelinta ee Somaliland C/laahi Maxmed Ducaale ayaa shalay ka furay kulan hawleed soconaya laba maalmood 16-17 Sep 2002, Hotel Maansoor Hargeysa. Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen hawl wadeeno ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland iyo hawlwadeeno ka socda hay’adda UNICEF waxaa lagaga hadlayay ka hortaga iyo sharaxaad laga bixiyay sida uu u faafo iyo duruufaha gaar gaara inuu faafo cudurka Aydhiska (HIV) iyo cudurada lagu kala qaado galmada ee loo yaqaan (STD).

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland C/laahi Maxamed wuxuu furitaanka kulankaa ka sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xukuumadda ay isku dubarido kulanka lagaga hadlayo cudurka Aydhiska, oo uu sheegay in maamulka Somaliland uu u aqoonsaday in uu Aydhisku yahay cudur ah kuwa la dagaalanka halista caafimaad ay tahay lagama maarmaanka.

Mr. C/laahi Maxamed Ducaale wuxuu kale oo uu sheegay in ay dawladda Somaliland aad u danaynaso in guddiga farsamo ee ka kooban Wasaaraddaha ee la qaabilsiiyay inay soo diyaariyaan siyaasad qaran oo lagu wajaho arrinta Aydhiska.

Wasiirka warfaafintu wuxuu hadalkaas uu ka jeediyay furitaanka kulankaas Maansoor ee shalay ku sheegay inuu ka rajaynayo guddigaas in ay soo bandhigaan arrin si dhaba u taabanaysa bartilmaameedka dhibaatada cudurka Aydhiska.

Inta badan dhawaan kulamada muhiimka ah ee ay iskugu yimaadaan aqoonyahanada reer Somaliland iyo masuuliyiinta dawladda waxa laga sheegaa in halista cudurka Aydhisku ay ku soo kordhayso Somaliland iyo in wadamo la darisa Somaliland oo aynu la wadaagno xidhiidho badan oo is dhex gal in heerka uu ka marayo cudurka Aydhisku ay ka mid yihiin meelaha uu sida ba’an u aafeeyay, intaa waxaa lagu daraa in uu aad u hooseeyo dareenka iyo talaabooyinka ka hortaga ah ee dhinaca Somaliland lagaga gaashamanayo cudurka Aydhiska (HIV) faafistiisa.

Mehret oo ah haweenay xafiiska UNICEF ee Soomaaliya u qaabilsan hawlaha cudurka aydhiska ayaa shirkaa ka soo jeedisay warbixin maqal iyo muuqaal isugu jirta oo ay ka qayb galayaashaa kulankaas ugu bandhigtay arrimo badan oo khuseeya iyo waxyeeladiisa kulankaas lagaga hadlayo aydhiska iyo cudurada galmada ee shalayka furmay Maansoor ayaa tilmaamay in maanta la soo gabagabeeyo dadka ka hawl gala arrimaha iyo xaaladda cudurka aydhis (HIV) ee geeska Afrika ayaa tilmaamay in Somaliland haddii aanay aad uga gaashaaman cudurka Aydhiska ay ku faafistiisu u muuqato mid fudud marka la eego wadamada la deriska ah Somaliland oo uu faro ba’an ku hayo cudurka Aydhis (HIV).

Diyaaradaha Maraykanka Oo Garaacay Difaaca Cirka Ee Ciraaq

Washington (Reuters): Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka ayaa beddelay xeeladahooda si ay uga jawaabaan weerarrada Ciraaq ku hayso diyaaradahooda kor-joogtada ah, waxayna hadda wadaan weerarro qorshaysan oo ay doonayaan inay ku dhaawacaan difaaca Cirka ee Ciraaq ee ku aaddan dhulka duullimaadyada ka caaggan ee koonfurta iyo waqooyiga dalkaas, sidaasna waxa shalay daboolka ka qaaday Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Donald Rumsfeld.

Saraakiisha Maraykanku waxa ay sheegeen in Ciraaq ay maalmahan u dambeeyey dhaqaajisay Gantaalo iyo saanad kale oo milateri ayna ku dhoweysay meelaha rayidku deggan yahay, taas oo lagu tilmaamay astaan kale oo muujinaysa sida ay xaaladda colaadeed u sii kordhayso, isla markaana dhaqdhaqaaqyada noocan oo kale ah ay yihiin kuwo ay hore u samaysay Baqdaad oo muujinaysa inay dareentay cagajugleyn.

Goolaaftankan milateri waxa uu mar la yimi hanjabaad ka soo yeedhay Madaxweyne Bush oo ku jeedda Madaxweynaha Ciraaq Sadaam Xuseen, oo uu uga digey inuu ka qaadi doono tallaabo aanu caddayn haddii uu Sadaam ku guul-darraysto inuu u hoggaansamo cadaadiska lala kaashaday Qaramada Midoobey ee lagaga doonayo inuu joojiyo barnaamujka samaynta hubka wax gumaada.

Weerarradan Diyaaradaha dagaalka ee Ingiriiska iyo Maraykanku ku qaadeen imminka dhulka diyaaradaha ka caaggan ee Ciraaq ayaa ah kuwo ku jihaysan bartilmaameedyo mucayin ah sida dhismayaasha talisyada iyo hagista muhiimka ah iyo garoomada diyaaradaha milateriga Ciraaq halkii ay ka beegsan lahaayeen bartilmaameedyo adag sida raadaarada moobilka ah ee yaryar ayuu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Maraykan.

“Anigu ma jecli fikradda ah in diyaaradaheenna la toogto… “ ayuu yidhi Rumsfel.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa ku tilmaamay duqayntan mid laciifinaysa awoodda difaac ee Ciraaq.

Ma jiraan warar dhexdhexaad ah oo xaqiijinaya andacoodka Maraykanka ee ah in Ciraaq ay gantaalo iyo saanad milateri u rartay meelaha shicibku deggan yahay.

Sarkaal Maraykan ah ayaa isaguna sheegay inay raadinayaan caddaymo ku saabsan in Ciraaq sidaas yeeshay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee

Pakistan Oo Ka Hadlay Inuu Maraykanka Gacanta U Gelinayo Xubno Al-Qaacida

Islamabad (W. Wararka): Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan ayaa sheegay shalay in uu dalkiisu soo gabogabeeyay baadhistii ay ku baadhayeen nin ka tirsan ururka Al-qaacida oo la yidhaa Bin shabah oo todobaadkii hore lagu qabtay magaalada dekedda ah ee Karachi dalka Pakistan.

Moinudin Haider Wasiirka amuuraha gudaha ee Pakistan ayaa intaa ku daray inay u diyaar garoobayaan maamulka Pakistan sidii ay gacanta uga galin lahaayeen Ramzi Bin Shabah dawladda Maraykanka haddii ayka codsadaan. Warkani wuxuu intaa ku daray in isla shalay dawladda Maraykanku la wareegtay Ramzi Bin Shabah oo ay ka duulisay dalka Pakistan loona qaaday goob qarsoon oo aanay saraakiisha Maraykanku cadeyn halka ay ku taal.

Dawladda Jarmalka ayaa iyana hore waaran caalamiya ula baadi goobeysay in ay ku taxaabto Bin Shabah, laakiin hadda dawladda Jarmalku waxay arrintaa u dhaaftay dawladda Maraykanka ka dib markii uu gacanta u galay bin Shabah.

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Moinuddin Haider ayaa sheegay in xeerka caalamiga ahi uu farayo Pakistan inay u gudbiso dawladda eedayn u haysa dambiile la qabtay, sidaas awgeed ay ugu gudbinayaan Bin Shabah dalka Maraykanka.

Ramzi Bin Shabah oo lagu xidhiidhinayo in uu ka mid ahaa madaxdii uu abaabulay Maxamed Atta ee saldhigiisu ahaa magaalada Hamburgo ee dalka Jarmalka oo ku eedaysan safka hore ee falkii 11kii September.

Maamulka dalka Pakistan ayaa sheegay in ay la qabteen Ramzi laba iyo toban nin oo ahaa ilaaladiisii una dhashay dalka Yemen oo uu Ramzi qudhiisu u dhashay.

Ciraaq Oo Uu Cadaadis Fuulay Ka Dib Markii Uu Sacuudigu Taageeray Qorshaha Qaramada Midoobay

London (Reuters): Dawladda sacuudiga ayaa si lama filaan ah u taageertay qorshaha ay qaramada midoobay Ciraaq kaga dalbayso inay shuruud la’aan ku ogolaato khubarada baadhista hubka halista ahi inay dib ugu laabtaan dalka Ciraaq.

Mawqifka cusub ee dawladda sacuudigu ay ka istaagtay arrinta Ciraaq waxaa maalintii axaddii ku sheegay waraysi uu bixiyay Wasiirka arrimaha dibadda ee sacuudigu Amiir Sacuud Al Faysal.

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Sacuudiga ayaa sheegay shalay in dawladdiisu ay taageereyso oo kaliya qaraar qaramada midoobay oo ka dhana Ciraaq, laakiin aanay taageereyn weerar gaara oo uu Maraykanku kaligii ku qaado Ciraaq. Tv-ga CNN oo weydiiyay dawladda Riyaad in ay dhulkeeda u ogolaaneyso in loo isticmaalo Saldhigyo haddii uu dhaco weerar lagu qaadayo Ciraaq ayuu ka jawaabay Wasiirka arrimaha dibadda ee sacuudiga Ibn-Sacuud waxaanu yidhi “haddii uu Maraykanku ku hawlgalayo go’aanadda Golaha amaanka ee qaramada midoobay waa suurta gal”.

Dawladda Maraykanka ayaa u muuqata si ay dabadda uga riixdo qaraar adag oo ay qaramada midoobay ka gaadho arrinta Ciraaq in ay siisay dalalka kale ee carabta fursad ay ku sameeyaan dhaq dhaqaaq ku saabsan arrinta Ciraaq.

Wasiiradda maaliyadda ee dalalka Yurub oo ku shirsan magaalada Salzburg ee Autria ayaa ka werwersan dagaal lagu qaado Ciraaq iyagoo sheegaya in uu u keeni doono dalalkooda hoos u dhac xidhiidhka ganacsi ee ay la leeyihiin, hakad galin doona Ganacsiga iyo rajadii soo kabashada dhaqaale oo iyana meesha ka bixi doonta.

Dawladda Talyaaniga ayaa iyadu shirka Austria ka sheegtay in khilaafka jiitamay ee arrinta Ciraaq uu keenay saamey weyn. Jarmalka Iyo Biljam wasiiraddoodii shirkaas ka soo qayb galay ayaa iyaguna tilmaamay in shidaalka qiimihiisa oo kor u kacay ay tahay arrin ay la timid Ciraaq iyo arrimaheeda.

Madaxweynaha Maraykanka Bush ayaa todobaadkii hore Golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ka sheegay in loo baahan yahay in qaramada midoobay ay go’aan adag ka gaadho Ciraaq ama uu Maraykanku ka qaado talaabo isaga u gooniya.

Xoghayaha maaliyada ee Maraykanka Paul ayaa sheegay shalay in ay dawladdiisu dusha u ridaynayso haddii loo baahdo hantida uu ku kacayo weerarka lagu qaado Ciraaq intuu doono ha ku kacee.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq oo hadda ku sugan New York ayaa sheegay in dalkiisu aanu ogolayn in baadhayaashii hubka halista ah ee qaramada midoobay ay ku laabtaan Ciraaq haddii aan la meel marinayn arrimo kale oo ay Ciraaq doonayso in laga dabciyo. Sidaas ayuu sheegay Mr. Naji Sabri Wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq.

RAADYOW MA QALLOOCSHE

Halkani waa Raadyow ma Qalloocshe oo aydun ka dhegeysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaqyahanka iyo “Indhadh Netka” oo ciwaankayagu yahay “Habar yuu habar yuu, ma Qalloocshe/ Qac Bam”

Akhyaarta indhaha buurbuuranow, waxaynu soo gaadhnay wakhtigaan warka dunida idinka dibbirin jiray. Waxaana maanta si la yaqaan idiinku laba roggi doonna, Weriye Ma ina Jillib Jiitin ka gooye.

ISAGII OO KAMBADHUUDHA

Dawladda Shankaroonland, ayaa dharraar dhawayd daafad ku fogaysay dhaydka doorashada loo digirin xidhnaa, daafaddaa waxa ku daba dhacayay, guddiyada Komishanada la baxday. Gudidaasi mar la waydiiyay halka ay geeyeen iyada oo kurdad gashatay ayaa la sheegay in ay iyadu wakhtiga Hargeysa dhexdeeda ka eryatay oo ilaa jifo uuray gaadhsiiyeen. Sababta keentay ayay ku sheegtay in ay khaamistay oo dareentay qabyo ka dhalatay qaad ku habsaan, nuxnux iyo nacnac ka dhex socota ururada xilka u orgooday. Si haddaba jaafaa-jiriqa looga soo jeel baxo, waxa lagu kordhiyay sideeeeed iyo afartan casho, kuna beegan adhaxda jiilaal ama dubeerinka dayro dhaafka. Daafaddani, waxay dhacday xilli ay ururada qaarkood isu soo qaawiyeen isku qaadka kuraasta tuulayaasha, waxaana laga hoos jiiday iyagoo dhammaantooba isu laalaadiyay ku dul-haadka doorashada la sheegay. Sidoo kale, Jamhuuriyadda Shankaroonta waxa lagu dhex arkay rag cawl-cawlan oo carro Maraykaan ka yimi, sheegtayna in ay ka tirsan yihiin Malcaamad ka mid ah malcaamadaha diinta dimoqraadiyada lagu faafiyo.

Raggan oo culimo dimoqraadi yaqaano ah, ayaa sheegay in ay khuruujku yimaadaan Shankaroonta, doonayaana in ay wacdi dimuqraadiya ka jeediyaan dalka, una dhigaan casharo iyo aayadaha elegshanka loo cuskado. Waxa kaloo ragaasi sheegeen in ay doonayaan in ay shakaroonta ka caawiyaan oo gargaar aadam-nimo u siiyaan caano badhaxa guul-darrada laga cabbo, si loo dhansiiyo qofka foodka laga badiyo iyo noocyada khamriga ee khajilaadda lagula dagaalamo, iyagoo sheegay in ay carbis u furi doonnaan ururada, si dabada looga jaro kuwa badawnimadu hayso. Ragaas ayaa yidhi; “Walaalo-yaal, waxaanu idinka soo bookhanay kaniisaddan agtiina, wax lacag ahna layska doonimaayo, haddaa tihiin walaalahayaga dimuqraadiyada ku walaaloobay, waxa inagu waajib ah in aynu isfamno, wixii wanaag ah-na is-farno, markaa kiniisaddan agtiina waxa ka socota muxaadarro doorasho ka sheekaynaysa, kaalaya walaalo-yaal nagala qayb-gala. Godh belees yuu yuu.”

Inkastoo Maraykaan mashquul yahay, haddana waxay raggani sheegeen shankaroonta uun qaadiwaayeen oo ay isu soo jirabeen, maadaama ay ku jirto fasalada hoose ee dugsiyada dimoqraadiya.

Si kastaba ha ahaatee, Shankaroonta, ayaa la sheegay in ragganimadeeda lagu qiyaasi doono lambarka ay keento imtixaanka elegshan   egsaamka loo yaqaano.

NAYUUYOORAK

Magaalada Nayuuyoorak, ayaa laga sameeyay xabaalaha daaraha labadii xabaalood ee ugu horreeyay dunida ayaa qabuura looga sameeyay magaaladaas waxaa loo bixiyay God eber garoow. Godkaas oo lagu xabaalay labadii dergadood ee Maraykanku ka goblamay ee gu’ hore, dayuuradihii xanaaqay ku libdheen, Maraykanka oo kibir daraadii xabaalo daaraha dhirta lagu aaso sameeyay ayaa habeen dhawayd isugu soo baxay axanka iyo agaska tacsidii labadaas daarood.

Madaxyuubka Maraykanka, ayaa faataxol muraad ka akhriyay xabaalahaasi, isagoo yidhi; “Wii aar nefa foorgetid anwar dergadahayagii.”

Madaxyuub Jiim Buusha oo lagu xanto inuu xaga xiska ay wax uga dhinmeen geeridaa dergadaha oo tan iyo kal horeba maanka laga qaaday, isagoo aarsi dergadood dartii Afbagistaan diginta ka dhigay oo sidii wax waalan ku tuntay, ayaa haddana la sheegayaa inuu ilaa imika aanu ciil bixin oo uu doonayo inuu ciraaqna raamsado, Carabta kalena darayo ku qabto, ayadoo la sheegayo in Maraykaanku qoondaystay inuu aargoosiga labadii daarood midna qaaradda Eeshiya oo dhan ugu aarayo, tan kalena wadamada Carabta oo dhan ugu aarayo.

Labadan daarood oo markii ay fayoobaayeen aad moodaysay laba qurus oo saabuunta Dhaka ah, waxa xabaalahooda astaan looga dhigay in marmarsiiyahooda dunida lagu gumaysto kontonka sannadood ee soo socda, iyadoo markii la arkay farsadda daba-taal in aanu dumintooda iyagu ka berii ahayn.

Fiidhyow la baahshay, ayaa lagu arkay rag gadhadh leh oo Carab u eg oo u dardaarinaya daaro laynta, inkasta oo anigu aanan sidiqin, dadkuse waxay sheegayaan in Al-qaacida tahay qolada Maraykanka ka caawisa dalalka uu doonayo inuu qabsado.

Gabay

Nugta aad maqlaysaa

Nabar dhacay ha moodina

Ee warka kii nafta lahaa Nasharatul

Akhbaarkii nagnagtiisii waayaan

Nuxayiikum dabbadeed

Niyuus dhaartey weeyaan

Waxa soo wadaan waday

Warka darayo soo sudhay

Waaraad geesi laga dhigay

Waashmaan wasiiro ah

Dhegtu taako dheertahay

Afku dhuuryo le’egyahay

Ama dhugo ama ha dhugan

Ninka kuu dhigdhigayaa

Dhudhun Adhiile weeyaan

Dharaariba tilmaan lehe,

Duq dardaarantaa tidhi

Udubaw dumaal dhawr

U ducee Marxuumkii

Dawladeeyna udub daa

Dimuqraadinimadiyo

Distoorkana ha jiidhina,

Dadku weli ma kala garan

Dawladda iyo udubkee

Dagaag yaanay kugu xaman.

Asaddow dulqaad hoo,

Dawdarnima iska ogow.

Kulmiyaw dedaal keen,

Haka didin hareeraha,

Doodda waad taqaanaa

Darafkaaga kaga qabo

Doorasha nin baqayaw

Hawgu dhicin dudada hore

Isku duubnimadiinaba

Dadku waxaydin leeyiin

Haba dalab lahaatee

Doorashay sameeyeen

Oo deero-deero ma hirdiyin.

Duniduba ha maqashee

Dalka sharaf la beegsada.

Qaylada dhacaysa

Qabar dumey ha moodina

Kursi qaybsi weeyaan

Waxa loo qudcinayaa

Qabso shicibka weeyaan.

Intaan qoonsimaad iman

Qalalaase kala dirin

Badhna qaylo lagu didin

Badhna qoobka lagu jarin

Ama aan qar iyo buur

La hirdiyin quwaaxyada

Iyo qaaba-qawseyn

Wuxuun maw qorshaynaa

Ma u qaybinaa neef

Ninba qurus ha qaatee.

Hal la qalo ma haynee

Waxarkaa u soo qabo.

Wuxu quudba maahoo

Qurux wuxu ku leeyahay

Qof inaynu siinee

Haddiise laysku quudooy

Qab-qab dhaafay noqotay

Qayladeedu badan tahay

Afartiisa qaybood

Aan u saami qaybshee

Adna tirada ii qabo

Cabdoo qalad xisaabiyo

Qalin-daar iga ogow.

“UDUB” way qarrancantoo

Qaddarkii ku dhacaybaa

Qayrkeed ka reebbee

Qoobkiisa midig sii

Isagaa qadhiidh iyo

Quwaax hore ku maqanyee.

“ASAD” qababaxdii hore

Way ka qatanaayeen

Qoobka iyo shanshada sii

Qawrax:

Maatada ha qadinine

Hilbaha qayb dhan u reeb.

Kulmiyena ma qara yara

Isna qoobka kale sii

Tunkana qayb u soo goo.

“UCID” baa qalqaaliyo

Qadhaab doonka badisoo

Fii-laan mar qabatoo

Qurbahaa wareegtee

Dibka yaree qalloociyo

Qawlal jeex u soo goo.

“BIRSOL” baa bir   sidatee

Beeryarada soo sii.

Qawrax:

Qamaamuurta waaweyn

Qaarbaa dambeeyoo

Qaylo-doon ku maqnaayee

Iyagana ha qadinnina

Qaybtooda meelee.

“Hormooddaa” hablaha badan

iyagaa hunguri yaroo

Kuwa kale yar dhaamee

Laf ay dhuuxdo soo sii.

“SAHAN” way sarseertoo

surma-seegtadeedii

saddex urur-dhexyaacdee,

keebaan wax siiyaa?

Marti saxa ha noqotee

Bal I sii sugaan idhi,

In aan seed u soo helo.

Qawrax:

Dar qaxootiyaa jira

Marti qaawan weeyaan

Qaybtana wax kuma laha

Yaynaanse qadinine

Inta haadda loo qubo

Iyo qanjaafilaha la ogow.

Waan illaawi gaadhee

“UMAD” oday kelyaalow

Meesha waydin aragtaan

Laydinkaga ilaal roon ee

Madaxaa il kala baxoo

Allihiin hadduu Alle yahay

Inta kale ha eegina.

Qodhay iyo xeraday

Inta aan u kala qalay

Xaqa ma ugu qaybshoo

Ma ku idhi ku wada qanac.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Horumarinta Bilicda Deegaanka Caasimadda

Marka la doonayo in horumarin lagu sameeyo bilicda deegaanka caasimadda, hawshu waxay ka bilaabmaysaa in marka hore la diyaariyo nashqadaha farsamo (Technical Drawings) ee arrimaha ay ka midka yihiin

1.       Wado-lugeedyada (pavements) labada dhinac ee laamiyada,

2.       Wadooyinka laamiga ah ee magaalada dhexdeeda, iyo kuwo looga baahan yahay duleedka magaalada;

3.       Meelaha dhinacyada laamiga (parking space) ee loo isticmaalo hakadka baabuurta;

4.       Meelaha dhinacyada laamiga (no parking) ee aanay baabuurtu ku hakan karin;

5.       Meelaha laamiga dhexdiisa (crossing) ee laga talaabi karo;

6.       Gooladaha ama isgoysyada wadooyinka magaaladaa dhexdeeda;

7.       Taalooyinka (statues) magaaladu ay yeelanayso;

8.       Sariibadaha iyo suuqyada dhexe ee magaalada xaafadeheeda;

9.       Garoomada ciyaaraha, iskuulada, malcaamadaha, xarumaha caafimaadka, masaajiidda iyo saldhigyada booliska, iyo waliba meelaha loogu talo galay geerashyada;

10.    Biyo mareenada (sewerage system) dhulka hoostiisa ee wasakhda qaada;

Talaabada labaad eeloo baahan yahay in la qaado ee lagu horumarinayo bilicda deegaanka caasimaddu waxay la xidhiidhaa in la sugo baaxadda kharashyada ku baxaya hawlaha samaynta nashqadaha iyo fulinta ama hirgelinta dhisida arrimaha lagu muujiiyay nashqadaha ama dhismayaasha. Hase yeeshee, hawsha dhisida waxa lagu bixin karaa qandaraas ama waaxda adeegyada bulshada ee dawladda hoose ee Hargeysa gaar ahaan qaybta hawlaha guud ayaa qaban karta shaqada.

Talaabada saddexaad waxay khusaysaa sharciga iyo hab-dhaqanka ganacsatadda dibad yaalka ah. Sidaa awgeed, dawladda hoose ee Hargeysa waxay u xil saaran tahay inay, hubiso, isla markaana ay wax ka qabato arrimaha ay ka mid ka yihiin:

1)       Ganacsatada dibadyaalka ah ee sida sharci darrada ah isaga degta wado lugeedyada (pavements), isgoysyada, laamiyadda, sekadaha xaafadaha dhexdooda, IWM;

2)       Ganacsatada sida sharci darrada ah jiingadaha uga dhisa wado-lugeedyada, isgoysyada, laamiyadda, iyo xaafadaha dhexdooda.

3)       Makhaayadaha yar yar ee shaaha ee sida habqanka ah looga sameeyay wado-lugeedyada, isgoysyada, dhismayaasha shicibka hortooda, iyo meelaha xaafadaha dhexdooda eeaan ku haboonayn;

4)       Goobaha dayactiridda gaadiidka ee laga sameeyay meel kasta oo banaan, ama dan guud ah, iyo sekedaha xaafadaha dhexdooda.

Ganacsatada dibadyaalka ah ee weel kasta ka dhisa buulasha yar yar iyo jiingaddahu may kalifin sabab dhinaca dhaqaaleah. Ganacsatada dibadyaalka ahi waxay ku lug leeyihiin dhaqan xumo, haddii aan wax laga qaban u badali karta caasimadda meel wadooyinkeeda, wado lugeedyadeeda, iyo xaafadeheeda ay xidheen buulal yar yar iyo jiingado qaab dara, iyo deegaan ay ku nool yihiin rabshad-wadayaal, iyo dad ku hawlan Ganacsiga maandooriyaha.

Horumarinta bilicda deegaanka caasimaddu waxa kale oo ay u baahan tahay in la qaado talaabo afraad oo suuragal ka dhigaysa inay dadweynuhu qaataan doorka ugu weyn ee nadaafada caasimada. Nadaafadda caasimadda waxa mashaakilku haya xashiish filiqsan ama baylahsan oo maalin kasta shaarica la keeno. Mashaakilka xashiishka baylahsan waxa lagaga, bixi karaa dadka oo lagu wargeliyo inay xashiishka dibadda u soo saaraan maalmaha sabtida, salaasada, iyo jimcaha oo kaliya, iyo inay xashiishka ku soo ridaan bac weyn, jawaan ama kiish afka laga Xidhay, dabadeedna ay keenaan halka ay taallo haanta xashiishku.

Hase yeeshee, horumarinta bilicda deegaanka caasimaddu waxay ku hirgalaysaa kharash heerkiisu aad u hooseeyo marka loo eego inta ka baxda dalalka kale ee adduunka. Tusaale dhisida wado-lugeedyada (pavements) magaalada dhexdeedu waxay ku kacayaan wax aan ka badneyn lacag u dhiganta shan boqol oo kun (500,000) dollar. Wado-lugeedyadu uma baahna kaabado (slabs) laga sameeyo sabidh iyo garaa’id qaali ah. Wado-lugeedyada caasimaddu waxa laga dhisi karaa kaabado laga qorey dhagaxa “granite” ee dalkeena ku badan. Waxa kaliya ee loo baahan yahay, waxay ku saabsan tahay in heshiis lala galo shirkadaha dalka ee dhagaaxda ka qota kaabadaha iyo jaajuurka, iyo injineerada dalka laga faa’iidaysto.

Sidoo kale, wastaadiin caadi ah oo ay dawladda hoose shaqaaleyso ayaa dhisi kara wadooyinka laamiga ah ee magaalada. Dhagaxda iyo quruuruxa meel kasta yaal ayaa suuragal ka dhigi kara inay wastaadiinta dalku inoo dhisaan laamiyo aanu ku bixin adduun fara badan, iyo inay laamiyadii hore si joogta ah u dayactiraan. Dhinaca kale, shirkadaha dalka ee ku lugta leh Ganacsiga jeyga ama leh warshedaha dhagaxa ridqa ayaa lala gali karaa heshiisyo ay dawladda hoose kaga iibsanayso asfalka (jey iyo daamur isku walaaqan). Sidaa awgeed, waxa haboon in shirkadaha dalka lagu dhiiri geliyo, inay dibadda ka soo iibsadaan wershadaha iyo qalabka lagu sameeyo asfalka (asphalt). Hase yeeshee, qiimaha kharashka qalabka ee ay shirkadaha dalku u baahan yihiin 60% waxay ka amaahan karaan dawladda hoose, ka dibna waxay deynka ku bixin doonaan asfalka laamiyada iyo kaabadaha lagu dhiso wado-lugeedyada. Maalgelinta shirkadaha dalka ee dhinaca qalabka waa dariiqada ugu haboon ee lagu horumarin karo bilicda iyo nidaamsanaanta deegaanka caasimadda.

Aad ayay u fududahay in la horumariyo bilicda deegaanka caasimada, haddii laga fikiro mashaakilka jira, sida ugu macquulsan ee mashaakilada wax ka qaban karta. Waa in dawladda hoose ee Hargeysa ay dedaal iyo waxqabad muujisaa, isla markaa ay hawl galisaa injineerada dalka.

C/Raxmaan Siciid Maxamed. Hargeysa.

Hooyo Kaalintii Aabbo Ayay Ku

Hagaagtay, Laakiin Aabbo Meelna Kuma Toosna

Dhawr iyo tobankii sanadood ee u dambeeyay taariikhda oo lagu guda jiray xaaladda dagaal oo kala dan-danbeeyay waxay saamayn wayn ku yeesheen dhaqaalihii Somaliland oo hoos u dhaca iyo meelo kaleba. Duruufaha dhaqaale ee ad-adag ee dalka ka jiraa waxay iyana wax weyn ka badaleen dhaqankeena oo ahaa mid ku salaysan shareecada Islaamka.

Aabuhu wuxuu ahaa mid aroorta hore ku kalaha qoyskiisa oo ku foofa magaalada hadduu camal hayo iyo haddii kaleba, si uu ugu soo helo masruufka reerkiisa iyo waxay cunayaan. Hooyadduna waxay ku aadanaan jirtay dayactirka iyo hagaajinta guriga iyo ka warhaynta ubadka. Tani waxay isu badashay in hooyaddu subaxa kalahdo si ay ugu soo xoogsato carruurteeda iyo aabahood.

Maanta waynu aragnaa tirada ay leegyihiin haweenka suuqa wax ku iibiya ee meel walba fadhiya ama wareegaya ha kuba jiraan qaar ragoodii lagaga laayay dagaaladii. Aabbuhuna imika wuxuu u soo toosaa barqada dheer si uu u soo helo mijintiisa iyo sigaarkiisa, kolba meeshuu doono ayuu ku soo qayilaa waxaanu ku soo noqdaa gurigiisa saqda dhexe isagoon wax dhacay iyo geeridii nabiga ka war hayn Inkasta oo tani ay sababayso in ay carruurtii saran seeranto oo ay eedaabtu ka xumaato ileen waalidkoodii la soconayay dhaqankooda, waxbarashadooda iyo dhaqdhaqaaqooda oo dhan, waa kuwan marwada imanaya, laakiin haddana markaan dhinac kale ka eegno, hooyo kaalintii Aabbo ayay ku hagaagtay laakiin Aabbo meelna kuma toosna

Xasan Axmed Yuusuf (Xasan-Afgaab)

DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Cumar Daahir Cumar

Sahaminta Kheyraadka Dhulka

Waa arrin lagama maarmaan ah in la sahamiyo oo la derso dhinacyo badana laga eego dhulka la doonayo in laga sameeyo mashaariic horumarineed ama dhul loo beeran jiray farsamooyin hore loona diyaarinayo qaabab casriya oo kor u qaadi kara guud ahaan wax soo saarka daryeelka deegaanka. Daraasaddan waxa lagu sameeyay ciida iyo arrimaha saameynta ku leh deegaanka, iyadoo laga eegayo sida uu dhulkaasi ugu haboonyahay noocyada wax soo saarka beeraha iyo dhireynta. Qorshayn iyo xog dhaba ayay u baahan tahay sahamintani si sees haboon oo la raaci karo loogu dhigo mashaariicda la doonayo in laga fuliyo deegaankaas.

Macluumaadka ku saabsan sahamintan dhulka ee aynu xusnay ayaanay inta badan fududeyn sida loo helo, waxaanay u baahan tahay waqti lagu diyaariyo iyo dhaqaale lagu hawlgalo Inkasta oo uu kharash badan ku kaco sahankan waxaa si degdega macluumaadka loo baahan yahay loo heli karaa iyadoo la isticmaalo sahanka hawada laga sawiro deegaanka ee loo yaqaan (aerial photography) iyadoo la raacinayo wararka qaar oo loo marayo shaqo gaadiidka dhulka la adeegsanayo. Meelaha warbixinta laga qorayo waxaa ka mid ah qaabka dhulka (topography), kaydka biyaha (hydrological) sida haraha, biyo shubka iyo noocyada kala duwan ee carrada. Qaabkan aynu wax ka xusnay ee loo sameynayo sahanka dhulka loo qorshaynayo horumarinta waxaa hore u isticmaalay agaasinka kheyraadka dhulka ee dalalka dibadda u qaabilsan dawladda Ingiriiska iyadoo u adeegsatay sahamo ay ku sameysay dhul ku yaalla kulaalayaasha.

Natiijooyinka waxtar ka leh ee laga helo hawlahan aynu xusnay waxay tahay in la helo qoraalo iyo maabab laga tixraaci karo waxyaabaha ay ku haboontahay qayb kasta oo ka mid ah dhulka la sahamiyay si looga hortago in lagu isticmaalo dhulka barnaamijyo aanu ku haboonayn oo aan waxtar iyo horumar keenayn sida dhul ku haboon daaqsin oo dhul beereed laga dhigo, dhul ku haboon dhirta baxda oo la baneeyo, dhul aan ku haboonayna degmeynta iyo dhismaha aqalada oo la dego, dhul aan ku haboonayn baliyadda iyo biyo xidheenada oo la xidho. Dhul aan ku haboonayn wadooyinka gaadiidka oo laga dhigo wadooyin iyo iyadoo shicib iyo xukuumadaba ay qoraalada sahankan u noqonayaan tilmaanta barnaamijyada horumarinta ee ay doonayaan inay fuliyaan.

Arrintani waa mid dhaqaale ahaan badbaadinaysa maalgelinta mashaariic aan ku fadhiyin sahan ka horeeyay oo inta badan keena khasaare iyo in lagu guulaysto ujeedadii laga lahaa iyo weliba iyagoo keena waxyeelo deegaan, oo sababi karta inuu rajo beelo dhul lahaa wax tar faro badan oo uu manafacaadkiisu anfici lahaa dadka, duunyada iyo guud ahaan daryeelka deegaanka, haddii loo baahdo macluumaadkan oo kale waxa jira daraasad ay sameeyeen hay’addo madax banaan oo lagu sameeyay dhul badan oo ku yaal Somaliland, sanadihii todobaatameeyadii iyo sideetameeyadii oo u baahan in laga dalbado qoraaladii macluumaadkaas

Saameynta Roobka Ee Deegaanka

Qiyaasta roobka la filayo inuu ka da’o deegaanka sanadkii ama isku darka xiliyada roobku uuka curto deegaankaas ayaa ah arrinta saldhiga u ah dhirta, daaqa iyo dalagyada la beerto ee dhulka leh carrada ay dhirtu ka bixi karto ee aan weli nabaad guurin. Xaddi roobka iyo qiyaasta masaafada uu ka da’o oo ay la socoto sida loo sugo qiyaasta iyo taariikhda xil roobaadka ee deegaankaas ayaa ah arrin qayb ka ahaa talada ay beeralaydu ku goostaan inay shiniyeeyaan beerahooda iyo in ay la sugaan xili ku haboon. Si loo helo dalaga ku haboon deegaanka iyadoo la darsay qiyaasta roob sanadeedka ka da’a waxaa lagu lamaaneyn karaa iyadoo iyana la ogyahay baahida biyood ee uu dalaga la beerayaa leeyahay si uu u baxo oo uu u yeesho wax soo saarka cunto ee loo beeray cimilada deegaankaas ayaa iyana saamayn ku yeelanaysa uumi baxa iyo biyo saarka ay dhirtu sameyso (evaporation and transpiration).

Saameynta cimilada deegaanka ee dhirta, daaqa iyo dalagyada beeraha ayaa waxaa la mid ah haddii ay cimilada deegaankaasi tahay mid heer kulkeedu uu sareeyo oo hawo culus oo uu qoyaanku ku badan yahay waxay keentaa cuduradda uu dhaliyo fungus-ku oo aad ugu faafa dhirta, daaqa iyo dalagyada ka baxa deegaankaas. Deegaan isku mid ah ayaa haddana ay heer kulkoodu kala duwan yihiin jooga dhulka oo u kala baxa dhulka xeebta ah, banaanadda, dhulka buuraleyda ah sida Kiiniya oo dhulka oo joogoodu gaadhayo 2000 Mitir, waxaa laga beeraa dalagyada heeda, qamadiga, tukhunta, oo dhammaantood ku caana dhulka ay cimiladoodu qabawdahay ee aan ku ool xariiqda dhul badhaha adduunka oo ku caana cimilo kulul.

Heer kulka aad u sareeya ee cimilada deegaanka oo la kulmo roob yari ayaa keena in ay bixi waydo dalaga araabikhidu, haddii la beeray oo ay la kulanto, sidoo kale xaaladaasi waxay keeni kartaa dalaga cudbiga oo isna qaadha halka uu ka baxo bulka cudbiga, sidoo kale ayay midhaha daadiyaan geedaha khudradu cimilada heer kulkeedu uu sareeyo ee ay roobka iyo biyaha waraabkuna ay yaraadaan ama la waayaba.

Guud ahaan beeralayda Somaliland ee wax ku beerta roobka iyo kuwa waraabka ayay wax soo saarkooda ay saamayn wayn ku leedahay qaababka ay ugu beegaan xili roobabka iyo beerista dalagyada, nabaad guurka yimid dhinacyo badan oo ay ka mid tahay dhul beereedka oo qaabka loogu qodo ama loogu rogo qalabka beeruhu aanu ahayn hab ay dadka beeralaydu aad uga fikiraan qaabka aad u dhaqaaleynaya biyaha roobka ee ka da’a deegaankaas. Guud ahaan biyaha roobabka ka da’a Somaliland ayaa ah kuwo aan uga faa’iidaysan oo dooxba sidii doox ugu daraayo ugu dambeyntii ku biyo shubo badda ku taalla Somaliland. Nabaad guurka ka yimaada socodka biyaha ee roobka ee aan laga faa’iidaysan ayaa isna sababay inuu nabaad guuriyo dhul badan oo ay ka bixi jireen daaq dhir iyo daaq dabiici ah oo qayb ka ahaa fayoobaanta deegaanada ee Somaliland.

Waxaa la rumaysan yahay in nabaad guurka dhirta ee deegaanku ay si dadban u sababto in dhulkaasi uu noqdo meel yeeshay cimilo uu roobku ku yar yahay. guud ahaan, gaar ahaana waxa si toosa loo taaban karaa in dhulka ay ku yaraato dhirta daaqu uu noqdo meelo ay ku yaraato ku haboonida nolosha dadku, arrintan ayaa ah in loo fahmo sida ay deegaanka saameynta ugu leedahay ilaalinta dhirtu iyo ciiddu inay tahay adkeynta in dhulka deegaanku uu ahaado meel ku haboon nolosha dadka oo u suurto gelin karta inay xoolo ku dhaqdaan, waxna ka beertaan.