Haatuf, Cadadki 164, Sep.22, 2002 Afkaarta Kala Duwan Ee Ay Garaadada Reer Sool Kula Taliyeen Ina Saleebaan Dafle, Jangeli Iyo Galaydh Garaad C/Qani oo ku gacan saydhay fikrad uu soo jeediyay Cali Khaliif Galaydh L/caanood (Haatuf):- Garaadada, Ugaasyada Boqorada ah, Madax-dhaqameedyada beelaha gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle, ayaa shir ay albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay guriga Suldaan Siciid Cismaan ee magaalada Laas-caanood. Weriye Liibaan Maaweel Shire, oo ka tirsan wargeyska Haatuf, ayaa sheegay in wararka ka soo baxay kulanka Isimadaasi, uu sheegay in ay ka wada-hadlayeen sidii guddi loogu saari lahaa dhammaystirka xabbad-joojinta ay oggolaadeen labada beelood ee reer Cilmi (Dhul-bahante) iyo Fiqishinni iyo ajandaha bilowga wadahadallada ay Isimadu la yeelanayaan ergada reer Somaliland ee muddada labada toddobaad ah joogtay gobolka Sool, wadahadalladaas oo ah qaar khuseeya siyaasadda. Warkani wuxuu intaa ku daray inuu shirkaa Isimada uu guddoominayay Garaad C/Qani Garaad Jaamac, iyo dadka ay madaxda u yihiin Isimada shirayay ee ku nool dibaduhu ay xidhiidh telefoon kula soo hadleen, iyaga oo talooyin u soo jeedinaya, waxaana ka mid ahaa Axmed Saleebaan Dafle iyo Maxamed Jaamac Jungle, oo kula taliyay inay wax la qabsadaan Somaliland. Waxay yidhaahdeen anagu Hargeisa ayaanu u soo soconaa, wax Somaliya la yidhaa ma jiraan ee si fiican ula hadla ergada ballaadhan ee idinla joogta, idina doonaysa. Dhinaca kale, waxaa uu warkani intaa ku daray in uu isna Cali Khaliif la soo xidhiidhay madax-dhaqameedyada, isaga oo kula taliyay inaanay Somaliland iyo Puntland midna ku biirin ee ay gaar ahaadaan, hase yeeshee waxaa la sheegay in Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac oo ah Garaadka beesha Cali Khaliif uu ku gacan-saydhay afkaarta uu soo jeediyay Cali Khaliif. Warkani wuxuu intaa ku daray inuu Cali Khaliif ku soo warramay inuu shir ku qabanayo Santiago oo ay ka soo qaybgalayaan 3000 (saddex kun) oo qof iyo in uu soo wado 10 shirkadood. Shirka Nayroobi inaanu hirgalayn oo ay reer Sool wax la qabsadaan Somaliland oo ah dadka ay wax ka dhexeeyaan ayaa la sheegay inay ka mid ahayd talooyinka ay soo siiyeen Isimada dadka ku nool dibedda ee xidhiidhka telefoonka kula soo xidhiidhay. Wefti Uu Hoggaaminayo Dr. Gaboose Oo Burco Lagu Soo Dhaweeyay Burco (Haatuf):- Wefti ururka SAHAN ah oo uu hoggaaminayo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ay dhowaan kooxo ururka SAHAN ahi u doorteen guddomiye iyo musharrax SAHAN ah, ayaa shalay socdaal ku tegay magaalada Burco, waxaana kooxda weftiga ah ee uu hoggaaminayo Dr. Gaboose magaalada Buco ku soo dhaweeyay baabuur iyo dadweyne tiro badan, iyada oo ay baabuur badani ka soo daadihisay meel u dhaxaysa Burco iyo Sheekh. Sida uu ku soo waramay A. Ducaale, Xaaji Diini iyo Cali Salaad oo ah guddoomiye xigeenka koowaad iyo labaad u ah Dr. Gaboose, iyo weliba toddoba xubnood oo la sheegay in ay golaha dhexe ee SAHAN yihiin, ayaa weftigaa ka mid ah, waxayna weftigaasi magaalada Burco gaadheen barqo kulul, iyaga oo markii ay magalada galeen ku soo wareegay suuqyada magaalada. Laakiin waxay markii dambe xubnaha weftiga iyo dadkii soo dhaweeyay baabuurta kaga degeen fagaare ku yaal xafiiska Badhasaabka hortiisa, halkaas oo ay Dr. Gaboose iyo labadiisa ku xigeen waxoogaa hadal ah oo mahad-naq ah ugu jeediyeen dadkii soo dhoweeyay. “Farxaddu haddii ay badato hadalku wuu yaraadaa,” ayuu yidhi Dr. Gaboose, laakiin wuxuu intaa ku daray; “Aad baanu idiinkaga mahad-naqaynaa sida fiican ee aad noo soo dhoweyseen. Burco waa halka laga dheehdo dareenka Somaliland, sida ay noqoto ama halka dareenkeedu maro ayay Somaliland-na maraysaa, waxaanuna reer Burco ka rajaynaynaa isku-duubni iyo midnimo.” Sida la ogyahay, urur-siyaasadeedka SAHAN, waxa ka dhex-oogmay khilaaf siyaasadeed oo sababay inay u kala jabaan laba garab, laakiin Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, isaga oo taa ka hadlaya wuxuu yidhi; “Waxa la yidhi ururka SAHAN, wuu dhintay, laakiin muu dhiman ee waad aragtaan, oo waa kaa idin horjooga, wixii khilaaf ah ee soo dhex-galayna wuu iska dhammaaday.” Dr. Gaboose iyo xubnaha weftigiisu waxay shalay gelinkii dambe iyo xalay kulamo iyo dhaq-dhaqaaq ka wadeen magaalada, waxaana ka mid ah dadka uu hoggaamiyaha weftiga Dr. Gaboose la kulmay Guddoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), oo hadda Burco ku sugan, iyada oo uu sidoo kalena shalay magaalada Burco gaadhay Guddoomiyaha golaha dhexe ee ASAD, Ibraahim-dhegoweyne oo ay weheliyaan rag kale. Maanta ayaa la filayaa in weftiga Dr. Gaboose, ee SAHAN ka tirsani dadka kala hadlaan fagaaraha khayriyadda Burco, laakiin ilaa hadda ma cadda muddada ay weftigaasi Burco joogayaan, iyada oo uu socdaalkoodu la xidhiidho olole siyaasadeed. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Oo Hubinaysa Dhaq-Dhaqaaqa Qaxootiga Djabuuti Ka Soo Noqday Boorama (Haatuf):- Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, C/raxmaan Maxamed Cajab, ayaa kormeer hawleed ku maraya degaanada xeebta galbeed ee Somaliland. Weriye Maxamed Cumar oo gobolka Awdal uga soo warrama wargeyska Haatuf, ayaa sheegay in agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Guduhu uu habeenkii Sabtidii ka ambo-baxay magaalada Boorama, isaga oo kormeer ugu kicitimay degaanada xeebta galbeed ee gobolka Awdal, si uu u soo eego Maamulka dawladda ee degaankaas iyo xaaladda nolosha dadka iyo duunyada ku nool degaankaas. Weriye Maxamed Cumar, wuxuu intaa ku daray inuu ilo muhiim ah ka soo xigtay in kormeerka Mr. C/raxmaan Maxamed Cajab ee xeebta galbeed deeganada ku yaal ay ka mid tahay in uu soo eego dhaq-dhaqaaqa qaxooti laga keenayo Jabuuti oo ku soo qul-qulaya degaankaas oo aan qaarkood la hubin inay u dhasheen Somaliland iyo inkale, iyo ganacsato reer Jabuuti ah oo la sheegay inay taageeraan mashaariic ay degaankaas ka wadaan dad reer Jabuuti ahi. Warkani wuxuu intaa ku daray, in tobonaan qoys oo ah qaxootiga Jabuuti ka soo noqonaya ee la keenayo Somaliland, 19-kii bishan lagu soo celiyay degaanada xeebta galbeed ee Somaliland. Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Suuqa Waaheen Ee Hargeysa Harg (Haatuf):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa kormeer ku tegay suuqa ganacsiga khudaarta iyo hilibka Waaheen ee badhtamaha Hargeysa, halkaas oo uu u tegay hawl lagu xallinayo khilaaf in muddo ahba ka jiray suuqaa ganacsiga, una dhaxeeya Maamulka dawladda Hoose iyo dadka suuqa ku ganacsada. Booqashada Madaxweyne ku xigeenka oo ay ku weheliyeen Duqa Hargeysa, Axmed Maxamed Maxamuud (A. Dheere), Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee golaha wakiilada Sh. Xasan Macallin, waxay ahayd mid looga gol lahaa sidii loo soo af-jari lahaa is-qabsiga u dhexeeya labada dhinac ee D/Hoose iyo ganacsatada khudaarta iyo hilibka ee suuqa WAAHEEN, kaas oo ka dhashay qorshe D/Hoose ku doonayso sidii ganacsatadaa suuqa WAAHEEN loogu wareejin lahaa suuqa JAJABKA loo yaqaan, kadib markii sida la heegay uu qaadi waayay suuqa WAAHEEN. Hase yeeshee, waxaa go’aanka ka biyo-diiday ganacsatada oo ka biyo-diiday suuqa JAJABKA, ee la doonayo in loo raro, taas oo keentay in xukuumadu soo dhexgasho, si xal looga gaadho murankaas. Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo go’aan taxaddar leh ka qaatay booqashadiisa, kadib sidii arrinta loo furdaamin lahaa ayaa Dawladda Hoose ku amray in ay diyaariso qaabkii ganacsatadu u fadhiisan lahayd, iyo in ay habayso dibna u dhisto meelaha burbursan sida barxadaha dhismayaasha oo burbur weyni ka muuqdo. Madaxweyne ku xigeenku, wuxuu sheegay in markaa kadib loo gudbi doono xal u helista is-qabsiga, waxaan diyaarinta arrinta loo xil-saaray Maayorka caasimaddu inuu sida ugu dhakhsaha badan ku dhammeeyo. Tallaabada uu Madaxweyne ku xigeenku qaaday shalay, waxay ka mid tahay booqashooyin kedis ah oo uu si xidhiidh ah muddooyinkan dambe ugu marayay xarumaha Maamulka dawladda iyo suuqyada ganacsiga, laguna hubinayo siday u socdaan hawlaha adeegyada kala duwan ee bulshada. Nin Aan La Aqoonsan Oo Meydkiisa Laga Helay Xeebta Berbera (Haatuf):- Meydka nin aan la aqoonsan oo laga helay dhinaca galbeed ee xeebta gobolka Saaxil ayaa lagu aasay magaalada Berbera, kadib markii ay ciidanka Boolisku meydkiisa ka soo qaadeen goobtii uu yaalay ee ay soo gaadhsiiyeen cusbitaalka guud ee Berbera. Siduu noo soo tebiyay weriyahayaga Gobolka Saaxil C/raxmaan X. Daahir, ninkaa meydkiisa la aasay oo da’diisa lagu qiyaasay ilaa afartameeyo, waxaa ciidanka booliska Berbera lagu soo wargeliyay Khamiistii toddobaadkii hore, markaas oo loo sheegay in nin meyd ah lagu arkay meel u dhaw goobta la yidhaahdo Geeri, laguna magacaabo Karin-kulan, oo dhacda xeebta galbeed ee Gobolka Saaxil. Warku wuxuu intaa ku daray in wargelintaa kadib ay ciidamada ammaanku goobtaa ka soo qaadeen meydka ninkaas aan la aqoonsan, isla markaana ay dhigeen cusbitaalka. Taliyaha sal-dhiga booliska Berbera, oo lagu magacaabo Daahir Yare, ayaa u sheegay weriyahayaga, in sababta geerida marxuumkaa ay baadhayaan dhakhaatiirtu, lagana qaaday sawiro kahor intii aan la aasin. Wuxuu xusay, in duruuftu saamixi weyday inuu meydka ninkaasi dibedda sii yaalo, waxaana lagu sababeeyay taas in meydka ninkaasi dhawr maalmood oo hore uu meyd-beryay oo uu goobtaa yaalay, kahor intii aanay ciidanka boolisku ka soo qaadin. Maamulka Somaliland Dib Ha U Eego Taliska Iyo Tayada Booliska Faallo- Cumar Daahir Cumar Isku day fal ku lid ah amniga oo laga dhex-fuliyo magaalooyinka waaweyn ama caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waa arrin aan la yaraysan karin sida ay ku timid, sida ay u suurtogashay iyo haddii ay dhacdayse, sida ay u suurtogashay in ciddii falkaa geysatay ay baxsataa waa arrin muujinaysa sida ay u liidato hay’addii u qaabilsanayd amniga Somaliland ee boolisku. Marka hore qudheeda ayaa la odhan karaa haddii laga warqabo in hay’adda amnigu ay aad u foojigan tahay, waxaa suurtogal ah in dhaq-dhaqaaqoodu u cabsi gelinayo iyo ciddii ay laabta kaga jirto inay ku dhaqaaqdo fal amniga waxyeelaya, taas oo qayb ka ah in uu sugnaado amnigu. Dal-daloolada ciidanka booliska ee Somaliland, waa mid ay saxafaddu muddo wax ka qoraysay, laakiin muu muuqan tallaabo uu Maamulka sare ee Somaliland ka qaaday, si u miisaaman sida loo dhaliilayo hawl-qabadka ciidanka booliska, arrintaa qudheeda waxaa ka garaabay in dib u eegis ay u baahantahay hawlaha booliska ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, mar uu saxaafadda uga warramayay hawlihii kormeerka iyo dib u hagaajinta hawlaha garsoorka ee Somaliland, laakiin waxaa meesha taal hagaajinta garsoorka, waxaa kaalin mug leh ka ah booliska oo ah ciidankii fulinta go’aamada caddaaladda ku salaysan haddii ay tahay meel aad ay fartu ugu godantahay, hubaal marka waxaa la odhan karaa garsooraha wanaagsan wuxuu xukumay garsoor aanu dembi-baadhihiisu ahayn mid uu u soo baadhay kiiska sidii loo baahnaa. Falkii maalintii Khamiistii lagula kacay gaadhi ay leedahay hay’adda WFP, xafiiskeeda Hargeysa, sannadkan 2002, waa arrin muujinaysa dib u dhac marka la eego hay’adda WFP xafiiskeeda Hargeisa, oo ah kii dhiirigeliyay in hay’aduhu ay Hargeisa ku dhex-wadan karan gaadhi ay iyagu leeyihiin muddo 7 sanadood kahor ah, xilligaas oo uu xafiiska WFP ee Hargeisa madax ka ahaa nin la odhan jiray Bouchan Haj Sheekh oo u dhashay Al-jeeriya. Runtii hay’adaha jooga Somaliland iyo gaadiidkooda ay sida ammaanka ah ugu wataan waa qayb weyn oo muhiim u ah wejiga Somaliland, ee ay ka tusaale qaadanayaan dalalka caalamku, weerarkii khamiistii loo geystay gaadhiga WFP, waa mid loo geystay qaranimada Somaliland, waana in uu Maamulka sare ee Somaliland, tallaabo u qalanta ka qaadaa mas’uuliyiintiisa hay’adda Ammaanka ee Somaliland, oo ah booliska, gaar ahaan taliskiisa iyo tayada askartiisa. Dhayalsiga falkii weerarkii gaadhiga WFP, ee xarunta Somaliland, wuxuu wado u noqon doonaa tallaabooyin kale oo waxyeelo weyn u keeni kara nabad-gelyada iyo rajo-wanaaga ka muuqda Somaliland. Maamulka Gobolka Awdal Oo Joojiyay Isticmaalka Wado U Dhaxaysa Boorama Iyo Boon Boorama (Haatuf): Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Sh. C/laahi ayaa amray in la joojiyo isticmaalka gaadiidka ee wadada u dhaxaysa magaalada xarunta gobolka Awdal ee Boorama iyo Boon oo ku taala galbeedka gobolka Awdal. Weriye Maxamed Cumar oo ka tirsan Haatuf ayaa sheegay in xidhitaanka wadadaasi ay ka dambaysay safar shaqo oo uu Badhasaabka Gobolka Awdal iyo masuuliyiin kale ay ku tageen deegaanka wadadaasi marto oo ilaa shan iyo Toban kiiloo Mitir oo ka mida aanu gaadiidku mari karin. Warkani wuxuu intaa ku daray in gaadiidku ay mari doonaan wado isku xidha Boorama, Qul-U-Jeed iyo Boon. Wadada la Xidhay oo ahayd mid si toosa isugu xidha Boorama iyo Boon oo aan soo marin Qul-ujeed. Wuxuu weriye Maxamed Cumar sheegay in go’aanka maamulka Gobolka Awdal ee xidhitaanka wadadaas ay qayb ka tahay sababo lagu xalinayo khilaaf ka dhex jira dadka degan deegaanka ay wadadaasi marto, taasoo keentay dhacdooyin lagula kacay rakaabkii iyo gaadiidka mari jiray wadadaa iyo in hawsha lagu Xidhay wadadaas ayka qayb qaateen dadweynaha degan deegaanka ay mari jirtay wadadaasi. Ciraaq Oo Sheegtay In Aan Tanaasul Dambe U Samaynayn Q. Midoobay
Baqdaad (W. Wararka): Dawladda Ciraaq ayaa sheegtay in aanay wax iskaashi ah la samaynayn haddii uu qaraar cusubi ka soo baxo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ka hor imanaya heshiiskii ay la gaadheen Xoghayaha guud ee Q. Midoobay Kofi Anan. Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Xukuumadda Ciraaq ka dib markii uu shir isugu yimid hogaanka Ciraaq, kaasoo uu gudoominayay Madaxweyne Sadaam Xuseen, Wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq Naji Sabri ayaa fariin qoraal ah u dhiibay xoghayahaa guud ee Q. midoobay Kofi Anan oo ay ku kulmeen New york dhawaan markii uu ka socday kulanka guud ee Q. Midoobay, taasoo ay Ciraaq ku cadaysay sida ay diyaarka ugu tahay inay dalkeeda ku soo laabtaan Baadhayaashii hubku si bilaa shuruud ah. Wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq ayaana uga waramay kulankaa wada hadaladii uu la yeeshay Kofi Anan. Dhinaca kalena Taliyaha ciidamaddda Maraykanka ee ku sugan bariga dhexe ayaa sheegay inay diyaar u yihiin haddii amar lagu siiyo weerar ay ku qaadaan ciidamadiisu Ciraaq, mar uu shalay shir jaraa’id ku qabtay dalka Kuwayt. Isaga oo intaa ku daray in Madaxweyne Bush aanu wali go’aansan weerar lagu qaado Ciraaq “diyaar baanu u nahay wixii hawl gal ah ee dalkayagu nooga baahdo” ayuu yidhi taliyuhu. Tani waxay ku soo beegantahay iyadoo uu Maraykanku maalmahanba xoojinayay ciidamadiisa ku sugan bariga dhexe. Balse Taliyaha Ciidamada Maraykanka oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in kordhinta Ciidamada Maraykanku ay tahay qorshe lagu kordhinayo tababarka Ciidamada ka jooga bariga dhexe, balse aanay ahayn weerar lagu qaadayo Ciraaq. Waxaa kale oo socda muran dhinaca diblamaasiyada ah oo ku saabsan xaaladda Ciraaq. Dawladda Ruushka ayaa ku adkaysanaysa dhinaceeda in wixii talaabo ah ee laga qaadayo Ciraaq ay marka hore soo marto Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay. Dawladda Ingiriiska ayaa iyadu sii wada taageeradeeda ay u hayso in uu Maraykanku weerar ku qaado Ciraaq. Duuliye Suudaani Ah Oo Loo Xidhay Tuhun Is-Biimayn Argagixiso Ah New York (W.Wararka) – Dawladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay qabatay duuliye u dhashay dalka Suudaan oo lagu tuhunsan yahay inuu qorshaynayay weerar lagu qaado guriga cad ee looga taliyo Maraykanka. Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska arrimaha jinsiyadda iyo qaxoontiga u qaabilsan Maraykanka, Duuliyaha Suudaaniga ah, waxa lala qabtay dhawr Suudaaniyiin ah oo kale, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay tabobar ku soo qataan Af-qanistan, ayna xubno ka yihiin ururka Al-Qaacida. Dhinaca kalena, lix Yamaniyiin ah oo haysta dhalashada Maraykanka, ayaa lasoo hortaagay maxkamad ku taala New York, iyaga oo lagu eedaynayo in ay lug ku lahaayeen weeraradii ka dhacay Maraykanka 11 September, ayna xubin ka yihiin Al-Qaacida, balse eedaysanayaasha Yamaniyiinta ahi way beeniyeen inay lug ku lahaayeen weeraradaasi iyo inay xubno ka yihiin ururka Al-qaacidaba. Raggan oo la soo taagay maxkamad ku taala New York, ayaa la sheegay in go’aankooda lagu dhawaaqi doono inta aanay bilaabmin bisha October ee soo socotaa. Iska Hor-Imaad Ka Dhex Dhacay Ciidamada Yemen Iyo Xubno Al-Qaacida Ah Sanca (W. Wararka) – Ciidamada Yemen, ayaa weerar ku qaaday guri ku yaala Sanca, oo la sheegay inay ku dhuumanayeen xubno ka tirsan AL-qaacida, oo la sheegay inay ka soo baxsadeen dalka Af-qanistan. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Yemen, waxa iska hor-imaadkan ku dhaawacmay afar qof oo ay laba ka mid ahi yihiin ciidamada Booliska ee Yemen. War ka soo baxay dawladda Yemen, ayaa sheegay in ciidamadooda ay u suurtogashay inay qabtaan saddex xubnood oo ka tirsan dablayda ku dhuumanaysay guriga. Tani, waxa ay ku soo beegan tahay saddex cisho kadib markii la sheegay in ciidamo ka socda Maraykanku ay isku diyaarinayaan inay weeraraan dalka Yemen, iyaga oo daba-socda xubno ka tirsan Al-qaacida. Markab kuwa dagaalka ah oo ay saaran yihiin 800 oo askari, oo Maraykan ah iyo hub kala duwan ayaa haatan la sheegay in uu ku sugan yahay dekedda dalka Djibouti. Balse dawladda Djibouti, ayaa beenisay in dalkeeda laga fulinayo weeraro lagu qaado dalalka ay jaarka yihiin. Maraykanka Oo Hoos U Dhigay Eedayntii In Soomaalidu Taageerto Al-Qaacida Somaliland-Times – Dhammaadkii bishii August, ayaa wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanku ka saartay liiska koowaad ee dembiga taageerista argagixisada 3 Soomaali ah iyo saddex shirkadood xafiisyadood oo ku xidhiidhsanaa saddexdaa nin oo xayiraaddii laga qaaday. Saddexdaa nin iyo xafiisyadooda waxaa xayiraadaa la saaray November 2001, iyada oo isla markaa la xayiray wixii hanti ay lahaayeen, ee yaalay baananka. Dawladda Kanada, ayaa iyadu diiday inay u gudbiso Maraykanka nin asal ahaan u dhashay Somaliya, oo haysta degganaansho dalka Kanada ah, iyada oo sheegtay in aan la soo hordhigin caddaymo ku filan in ninkaasi uu taageero argagixisada oo maalgeliyo. Dalka Luxembourg, ee Yurub ayaan isagu xayirin shirkad maaliyadeeda lagu xidhiidhiyay shirkadda Al-Barakaat, oo ay eedaysay dawladda Maraykanku. Soomaalida xayiraadaa laga qaaday, waxaa ka mid ahaa nin Somali ah oo magaciisa la yidhaa Xasan Xuseen, oo leh shirkadda xawaaladda lacagta ee Barakaat Enterprise Inc. Garyaqaanka u dooday in eedaynta loo haysto Xasan Xuseen aanay lahayn sifo sharci iyo caddaymo Mr. Kevin O’Brien, ayaa u sheegay warbaahinta iyo weriyeyaasha in aanay jirin wax caddaymo ah oo sheegaya in ay u gudubtay oo lagu taageeray Al-qaacida lacagta ay Somalida dalalka dibedda joogaa ay u diraan qoysaskooda jooga Somaliya ama Afrikada kaleba. Garyaqaan Kevin O’Brien, ayaa isaga oo la hadlaya weriyeyaasha yidhi; “Waxaanu doonaynaa dawladda oo soo baxda oo ka raali-gelisa in khalad ay wax ku xidhay, waxna ku xayirtay, 10 bilood ayaanu weydiisanaynay in ay caddaymo ka keenaan eedaymahoodan, mar qudha may keenin bilif yarna oo war ah.” Bishii November ee 2001, ayuu Maamulka Maraykanka ee Madaxweyne Bush, wuxuu ku eedeeyay in lacag dhan $25 milyan ay u sii marto Osama bin Laden shirkadda Al-Barakaat. Warbixin uu siiyay xilligaa saxaafadda wasiirka Maaliyadda ee Maraykanku Mr. Paul, wuxuu ku sheegay in xafiisyada shirkaddaas ee Maraykanka ay malaayiin dollar oo lagu maal-geliyo Al-Qaacida ay sii maraan. Warbixino kale oo ay soo saartay dawladda Maraykanku, ayaa shirkadda Al-Barakaat ku tilmaamay shirkad ka mid ah jeebabka maalgeliya argagixisada. Kal-Fadhigii 18aad Ee Guurtida Somaliland Guddoomiyaha Guurtida ee Somaliland Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar, ayaa shegay in uu kal-fadhigii 18aad ee golaha Guurtida Somaliland, uu maanta ka furmayo xarunta golahaas ee Hargeisa. Sh. Ibraahim wuxuu furitaanka kal-fadhiga Guurtida ku sheegay qoraal ogaysiina oo uu jaraa’idka iyo warbaahinta u kala diray maalintii shalay ee 21/09/2002. FAHAMKA CAAFIMAADKA Cumar Daahir Cumar Baaqa Duqa Caasimadda Ee Ololaha Nadaafaddu Waa Daryeelka Caafimaadka.
Maalintii khamiistii ayaa Duqa caasimadda Hargeysa Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Dheere) wuxuu baaq ah olole nadaafadeed oo lagu qaado degmooyinka caasimada Hargeysa uu u soo jeediyay dadweynaha reer Hargeysa. Baaqaas wuxuu Duqa Hargeysa kaga codsaday dadweynaha inay ula hawl galaan dhaqaalaha D/hoose iyo gaadiidka D/hoose sida uu sheegay inay ka bilaabaan Hargeysa loo qorsheeyay maalintii Sabtidii ee shalay. Kor u qaadista nadaafada ayaa ah arrin u adeegaysa daryeelka guud ee caafimaadka dadweynaha oo haddii ay xumaato nadaafada deegaanadda ay ku noolyihiin keenta inay ka dilaacaan cudurada faafa ee halista galiya dadka gaar ahaan kuwa ay carruurtu aadka ugu ledaan, sidaas daraadeed dadweynaha oo taageera kana qayb qaata qof iyo gaadiidkood cidii ku tabarucu karta waa arrin lagu taageero. Danta guud ee nadaafadda magaalada Hargeysa taasoo si toosa u khusaysa caafimaadka dadweynaha ku nool. Duqa caasimadda Hargeysa Mr. Axmed Maxamed Maxamuud waxaa ka mid ahaa baaqaa uu ka jeediyay fagaaraha kheyriyadda ee ay la soo jeediyeen wasiiro ka tirsan dawladda dhexe ee Hargeysa. Mudanayaal iyo rag maamuus ku leh magaaladan Hargeysa in xiligan oo roobab ayka da’ayaan Hargeysa ay lagama maarmaan ka dhigayso in olole lagu qaado qashinka si looga hortago wixii ka dhalan kara ee caafimaad darro ku nool Hargeysa iyo in ololahan ka qayb-galkiisa ayka codsadaan dadweynaha ee aanu ahayn kii la isku khasbi jiray oo kale. Guud ahaan madaxdii ka hadashay kulankii kheyriyadda ee baaqa ka qayb qaadashada ololaha nadaafadeed waxay tilmaameen waxyeelada bacdu ay u leedahay nadaafada iyo qashinka ka dhasha qaadka si uu qof walba u basrin lahaa si aanay u keenin nadaafad xumo iyo bilic xumo, dhir beerista in qofkii guri ka dhisanaya Hargeysa uu ka beero geed ama laba geed ayaa iyana ka mid ahayd waxyaalihii loogu baaqay reer Hargeysa. Talaabada Shirkada Dahabshiil EeDeeqda Kharashka Lagu Daweynayo (3000) Oo Qof Oo Qaba Cudurada Indhaha.
Sida uu ku soo waramay Axmed Ducaale oo ka tirsan Haatuf hawl-balaadhan oo isugu jirta, qaliino, daaweyn, muraayado siin kuwa indhaha ah ayaa ka socda cusbitaalka magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, Inkasta oo hawlwadeenada caafimaadka ee hawshaas ka qayb galayaa ay yihiin tabaruc, haddana gunada iyo kharashka adeega ee hawshaasi ku socota waxaa ku deeqdayshirkadda Dahabshiil. Arrintaas oo ah tusaale fiican oo ay amaan ku mudantahay shirkadda Dahabshiil iyo xaqlaha leh oo ah mid dhiiri-gelin iyo tilmaan u ah muwaadiniinta reer Somaliland in deeq iyo gargaar loo fidiyo goobaha daryeelka caafimaadku uu yahay mid qayb weyn ka daboolaya baahida daaweynta bukaanka cuduradda ee la soo xidhiidha goobaha caafimaadka gaar ahaan danyarta aan awoodi karin in ay iska bixiyaan kharashkeeda looga baahan yahay goobaha daaweynta ee gaarka loo leeyahay. Runtii tirada badan ilaa (500) qof ah ee lagu sameeyay qaliinka indhaha, (2000) oo qof oo daaweyn iyo muraayadaha indhaha la siiyay hawsha ay deeqda u fidisay shirkada Dahabshiil ee ka socota Cusbitaalka Burco, waa talaabo lagu amaani karo shirkadda Dahabshiil oo muujinaysa dareen Bani’aadminimo iyo mid wadaninimo oo waxtar u leh dadka uu ugu deeqay iyo guud ahaan Somaliland, waa arrin ku dhiiri-gelinaysa shirkadaha iyo ganacsatada reer Somaliland in ay qayb weyn dabooli karto deeq noocan oo kale ah oo ay u fidiyaan meelaha baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha dadku ay ku jirto, sida caafimaadka, Waxbarashada, biyaha, Iwm, waa deeq muujinaysa in ay dadkeena dhexdiisa isku caawin karaa arrin in badan loo haysto in qabashadeeda laga sugo dibadda ka yimaada. ODHAAHDA AKHRISTAHA Mustaqbalka Somaliland Wuxuu Ku Xidhan Yahay Kolba Siday Doorashadani U Dhacdo Tan iyo markii lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland in ay ka madax banaanaatay, Soomaaliya, inteeda kale, 18kii may, shirkii beelaha gobolada Somaliland ee Burco, waxa geed dheer iyo geed gaabanba loo fuulay sidii dalkani aqoonsi caalamiya loogu heli lahaa Socdaaladdii Madaxdu ku gaalaabixiyeen adduunyadda dalal ka mid ah ka sokow, waxa marba marka ka sii dambaysa sii laban laabmayay oo kor u sii kacayay dadaalka ay aqoonyahanadda iyo indheer garadka, dalku ugu jireen sidii loogu guulaysan lahaa ictiraaf iyagoo meel walba ka sheegaya qaddiyadda Somaliland, oo ku dhaadhicinaya dunida. Waxaan la hilmaami karin qodobka aftidii distoorka ee loogu codeeyay 97% taasoo hirgashay markii uu wadanka ka talinayay alla ha u naxariistee M. I. Cigaal taa lafteedu waa mid qayb ka qaadaynaysa halganka loogu jiro aqoonsiga. Dastuurkan oo qodobkiisa ugu waynaa ee lagu dhaqmay uu ahaa geeridii Madaxweynihii hore ka dib sidii loo soo doortay Mr Rayaale. Taasoo iyaduna gobolka iyo dunidaba u iftiimisay wax badan oo looga been sheegayay markii hore. Haddaba imika oo la doonayo in laga gudbo nidaamkii beelaha iyo qabaa’ilka wax ku qaybsiga oo la doonayo in ay dalka ka dhacaan doorashooyin xalaalah oo dimuqraadiya, waa mid ay aduunyaddu indho toosha u leedahay, sidaan ilaa Haddaba arkayno wufuud kala gedisan iska daba imanaya markaa wuxuu ku xidhanyahay kolba siday doorashadani u dhacdo. Si xeegana xeego u noqoto ilkana u nabad galaan, haddii sida loo baahan yahay laga yeelina waxaan u malaynayaa in aqoonsiga laynoo diidi doono ee aynaan meela u doonayn. Haddii kale waxay noqon oday ka sheekee. Xasan Axmed Yuusuf (Xasan Af-gaab) Hargeysa Gebiley Gurmad Maamul Oo Tayo Leh Ayay U Baahan Tahay
Marka hore waxaan salaamayaa dhammaan bahda warbaahinta madaxa banaan ee SL hadday tahayTV-ga & Jaraa’idkaba kuwaas oo goor kasta ku hawlan la socodsiinta bulshadda wararka & dhacdooyinka dalka & Caalamka intiisa kale. Shaqaalaha ku hawlan mihnadaa saxaafad xorta ah oo gutay waajibaadkii qaran ee saarnaa aan ka hadlayo oo ah maamul xumo ragaadisay degmada gebilay taasi oo ay kaw ka tahay dhibaatooyin isbiirsaday oo ku habsaday shicibka ku dhaqan magaalada waxaan ka mid ah hogaan xumo iyo horumar la’aan. Oo ay ugu wacantahay bulshada ku nool degmada oo ah qaar aan xaqooda dhacsan oola xisaabtamin masuuliyiinta xilka u haya sababo jira awgeed & Madaxda maamulka oo iyaguna ku hawlan ku xidhnaanta dawladda dhexe & sidii ay iskaga laaluushi lahaayeen si ay u xajistaan kursigooda una ilaalashadaan. Dadweynaha oo loo samaystay afmiishaaradda u adeega maamulka hab dhaqanka noocaasi ahi waa mid dib u dhigay horumarkii ay gaadhi lahayd degmada Gebilay, oo ah mid wax soo saarkeedu aad u sareeyo iyadoo lawada ogsoon yahay in ay ka mid tahay meelaha ugu dakhliga badan SL. Waxaan dadweynaha su’aalayaa weli ma jiraa masuul loo soo magacaabay degmada oo wax u qabta sidii loo baahnaa? Jawaabtu waa maya waxase laga yaabaa inuu jiri karo mid amaba laba. Iyadoo marka uu xilka ku cusubyahay dadweynaha iska dhaadhiciya sheegana balanqaadyo aanay waxba ka fulin intooda badan, oo ku ekaada maalmaha hore & iyo is barashada uun, waxaasoo dhan waxa u horseeda dadweynaha oon hubin halka uu maro dakhliga ay xereeyaan ee ka turjuma nin jeclaysi hebel halagu beddelo hebelkaas, iyagoo ka leexday fikirkii toosnaa ee hore u socodka samaynayay, masuuliyiinta laftooda waxa jira is xinin uu midba mid kale ku xumee leeyahay. Waxa intaas dheer muranka dhulka oo iyagu horseed u yihiin isku dilida Shacbiga oo aad arkayso meel saddex qof u wada haystaan ogolaansho iyaga ka soo baxay Haddaba waa ayo cida looga fadhiyaa in ay wax ka qabtaan waa Xukuumadda markaasi waxaan leeyahay sidii loo habeeyay dawladihii hosse ee Burco, Hargeysa, Boorama in Gebilayna loo soo jaleeco. Haddii kale waxa iman doonta in aanu codkayga siin doonin doorashooyinka in la filayo dhawaan Xukuumadda dalka ka talisa iyo xisbigeeda UDUB ee ay iyagu waayi doonaan kalsoonida shacabka Gebilay. C/Shakuur Jimcaale Maax (C/yare), Gebilay Xili-Ciyaareedka Yaan Lagu Beegin Xili-Imtixaanka Kama Dambaysta Ah Aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa hirgelinta ciyaaraha iyo cadaloolka Shabaabka ee layli gelinta ugubka hore ee jidhka iyo caqliga si fayoobi uga soo baxaan, waxaanse naqdiyayaa xiliga tartangelinta ciyaaraha gobolada in lagu beego xiliyadda imtixaanka kama dambaysta sanad dugsiyeedka la qaadayo sababo ah haddii la rabo ardayga in la miisaamo tamarta orodkiisa iyo hanaan xirfadeedka ciyaarta kubbadda iyo xaal ogaalka dambe ee dugsiga ugu xariifsan waxa ka habboon in xiliga dugsiyada lagu jiro layli-galkaa waxbarasho ee dhinaca culuunta tixgelinta koowaad la siiyo, tartamadda keliya ee la qabtaa ay noqoto kuwa barnaamijyada kedis oo dadaal iyo dardar geliya ardayda faaqidaada aqooneed oo aan laysku begin tartanada ciyaaraha iyo xili-dugsiyeedka Waxbarashada oo aan ogsoonayahay in dadaal laba shimbirood ardaygu ku wada dili karin, waxaana suuragal ah waayo-aragnimo marka lagu eego in isku seega labada tartan ee ciyaaraha iyo culuunta dugsiyada, in ka culuunta dugsiyadu hoos u dhigiisa yeelan karo, sababo ah waa arday ciyaaraha iyo arday kooxdooda u sacabinaysa oo tartamada ay soconaya muddo bil ah. Markaa waxaan qabaa in tartamada ciyaaraha lagu eego xiliyada Dugsiyadu ay fasaxa yihiin si ardayda ugu noqoto wax dahaadha baylah kale een faa’iidada lahayn. Dhinaca horumarka ciyaaraha waxa looga baahan yahay Xukuumadda in ardayda loo helo garoomo ku dhegen Dugsiyadooda si tayo galka cadaloolka ee barbaarinta looga midho-dhaliyo. Maxamed Axmed Cabdi (Faxam), Hargeysa WAADIGA CIYAARAHA Bayern Munich Oo Afar Ku Hoggaaminaysa Kooxaha Jarmalka Hormoodada kooxda Bayern Munich, ayaa soo hormaray oo hoggaanka u qabtay kooxaha heerka koowaad (Serie A), ee Jarmalka, kadib markii 3-1 ay kaga guulasyteen kooxda Energie Cottbus. Paulo Rink, ayaa u dhaliyay goolka furitaanka ahaa ee ay dhalisay kooxda B. Munich. Ciyaarta ay maalintii shalay la yeelatay kooxda E. Cottbus, Micheal Ballack, oo ah ciyaartoy ku wanaagsan sida loo dhiso kubadaha lagu weerargelayo ayaa goolka labaad u dhaliyay kooxda Munich. Weeraryahanka reer Brazil ee Elber, ayaa goolka saddexaad e si xaqiijiyay guusha Bayern Munich u saxeexay. Kala horraynta kooxaha heerka koowaad ee Jarmalka ayay ciyaartan ay shalay B. Munich ku legeday kooxda E. Cottbus waxay ka dhigtay halka ugu sarraysa, kooxdii ku soo xigtay B. Munich ee dhibicda qudha ka hoosaysay oo ahayd kooxad Hans Rostock, ayaa dib u sii riixantay, kadib markii ay guul-darro kala soo deristay ciyaartii ay la yeesheen kooxda Borussia Dortmund oo lagaga badiyay 1-0, kooxda Dortmund waxaa u dhaliyay goolka ay guushu ku raacday weeraryahanka Czech ah ee Jan Koller. Goolkii Uu Kanu U Dhaliyay Ayaa La Dabbaashay Arsenal Kooxda Arsenal ayaa sii wadata hoggaaminteeda kooxaha Ingiriiska ee koobka horyaalka kooxaha kubadda cagta ee dalka Ingiriiska, kadib markii ay 2-1 kaga badisay kooxda Bolton Wanderers. Arsenal, ayaa u muuqata in ay ku taagan yihiin jidkii ay marlabaad ku hanan lahaayeen horyaalka. Goolka labaad ee guushu ku raacday Arsenal ciyaartaa, waxa u saxeexay Nwankwo Kanu, kadib markii uu si habboon u maamulay kubbad uu helay 10 daqiiqadood markay ciyaarta ka hadhsanayd, oo ku hubsaday goolka kooxda Bolton. Guusha uu keenay goolkaa uu dhaliyay Kanu, ayaa Arsenal u keenay in ay hoggaanka u si hayso kooxaha ku tartamaya hoggaanka tartanka horyaalka (premier ship) ee dalka Ingiriiska. Kooxda Liverpool, oo iyadu hadda kaalinta labaad ee kala-horraynta tartanka horyaalka ee kooxaha Ingiriiska ku jirta ayaa si adag kaga badisay (2-0) kooxda West Bromwich Albion. Newcastle ayaa boodhka iska tuntay oo ka soo kacday halkii ugu hoosaysay ee ay kaga jirtay liiska kala-horraynta kooxaha Ingiriiska, kadib markii ay 2-0 si xarrago leh ugaga badisay kooxda Sunderland. Kooxaha Southampton iyo Charlton, ayaa ciyaar ay yeesheen ku dhammaatay iyada oo ayna ku guulaysan in shebeggga kooxda kale kubadda gaadhsiiso oo ay goolal kala dhaliyaan. Ciyaar ay ku kulmeen garoonka St. Mayr’s Stadium. Kooxda Westham United ayaa halkeedii hoose liiska kala-horraynta kooxaha kaga sii jiraysa, kadib markii ay kalama adkaan (barbaro) ah oo aan goola la kala dhalin ay isla dhaafi waayeen kooxda Kevin Keegan ee Manchester City. Garoon Kubadda Cagta Ah Oo Laga Furay Boorama Boorama (Haatuf):- Duqa magaalada Boorama Maxamed Muuse Bahdoon, ayaa shalay ka furay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta xaafadda Sheekh Cismaan ee galbeedka magaalada Boorama. Garoonkan uu shalay furay Duqa Boorama, waa garoonkii labaad ee kubadda cagta lagu ciyaaro ee laga furo magaalada Boorama muddo afar bilood gudahood ah. Weriyaha Haatuf uga soo warrama gobolka Awdal, Mr. Maxamed Cumar, ayaa sheegay in garoomadaa ay Maamulka Boorama ugu talogaleen si ay dhallinyaradu u hesho garoomo ciyaareed oo ku dhiirigelin kara hiwaayadda ciyaaraha iyo kordhinta dhinaca garoomada ciyaaraha. Dhinaca kalena ay tahay arrin loogu danaynayo danta guud, marka la eego dhul-boobka danaha gaarka ah. Sida uu sheegay weriye Maxamed, furitaankii garoonka wuxuu Duqa Boorama kula dar-daarmay dadweynaha deggan xaafadda Sheekh Cismaan ee Boorama, in ay ilaaliyaan nadaafadda garoonkaa iyo ciddii ku xad-gudbaysa dhismaha iyo dhulka uu ku yaallo garoonkaasi. |