Haatuf, Cadadki 165, Sep.23, 2002 Madaxweyne Rayaale Iyo Guddoomiye Qaybe Oo Kulan Turxaan-Saar Ah Isku Hor-Fadhiistay
Harg (Haatuf):- Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Guddoomiyaha Wakiilada Md. Axmed Maxamed (Qaybe), ayaa markii ugu horraysay Sabtidii dorraad isku soo horfadhiistay kulan ay kaga xaajoonayaan sidii ay isfaham ugu dhammayn lahaayeen khilaaf in muddo ahba labada mas’uul u dhaxeeyay. Md. Qaybe oo warkaa ka xaqiijiyay fadhigii shalay ee golaha wakiiladu yeesheen, oo isagu uu guddoominayay, ayaa wadahadalka dhexmaray isaga (Qaybe) iyo Madaxweyne Rayaale, ku tilmaamay mid guul ku dhammaaday. Xidhiidhka Rayaale iyo Qaybe oo muddooyinkan dambe ahaa mid aan fiicnayn wuxuu sii xumaaday markii sida la sheegay Madaxweyne Rayaale uu ka qadiyay talada beesha Sool, sida wefti uu Md. Rayaale u xil-saaray inay kala xaajoodaan wixii tabashooyin ah ee beesha Sool ka tirsanayso Maamulka Somaliland. Tallaabadaas oo sida warar xog-ogaal ahi tibaaxeen aan qaybtiisii laga siin Qaybe, oo ah ruug-cadaa magac weyn ku leh siyaasadda Somaliland, isla markaana saamayn ballaadhan ku leh beesha Sool. Muranka u dhaxeeya labada mas’uul wuxuu si weyn u soo debad baxay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay oo hooska-tuurkooda laga dhex-daalacday dood kulul oo dhexmartay mudanayaasha wakiilada. Hase yeeshee, waxaa arrinta ka odayeeyay afar ka mid ah odayaasha ugu da’da weyn golaha wakiilada oo kala dhexgalay labada dhinac, waxayna afarta xubnood kala yihiin: C/Raxmaan Xuseen (Baydaani), Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Xasan Cumar Colow Iyo Xuseen X. Cabdi Caamir. Xil-dhibaan Xuseen X. Cabdi Caamir oo fadhigii shalay mudanayaasha warbixin kooban ka siiyay arrintaa, ayaa sheegay in wadahadalka oo ka dhacay xarunta madaxtooyadu uu guul iyo is-afgarad ku dhammaaday. “Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha mid walba gooni baanu ula kulanay, waxaanuna ka codsanay inaanu kulan isugu keeno, wayna naga oggolaadeen,” ayuu yidhi Md. Xuseen X. Cabdi Caamir. Md. Caamir, wuxuu intaa ku daray in dhinacooda ku dedaalayeen sidii is-afgarasho looga dhex-abuuri lahaa odayaasha, taas oo buu yidhi, sidii ugu fiicnayd ku dhammaatay. “Waxaa la isku raacay wixii daantaa dabayli ha qaado wixii dooxayaalayna daad ha qaado,” ayuu yidhi mudanuhu. Inkasta oo Md. Camir caddeeyay inaanay wax garnaqsi ah dhicin, haddana wuxuu muujiyay in arrimuhu calool-samaan ku dhammaadeen. Isaga oo Md. Xuseen X. Cabdi Caamir arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waxaanu noqonay ergo nabadeed adag, waxaanu diidnay in gar la qaado, labada odayna waxaanu ku adkaynay inay sidaa ku qataan, wayna aqbaleen. Arrintuna waxay ku dhammaatay in la wada shaqeeyo, lana wada ilaaliyo maslaxadda ummadda. Dalka iyo dawladnimada Somaliland, ballantaas ayaanu wada galnay. “Gaani Saaxiibkay Wuu Ahaa, Laakiin 82-Kii Markuu Inamada Xidhay Wuu I Khiyaameeyay…” Faysal Cali Waraabe – Waraysi Khaas ah Harg (Haatuf):- Iyada oo dalku ku jiro siyaasiyan marxalad kala-guur ah, oo loo hanqal taagayo tartan doorasho oo loogu beretamo hoggaaminta talada dalka, ayaa wargeyska Haatuf wuxuu tirsiyadiisii hore qaar ka mid ah ku faafiyay xog-waraysiyo kala duwan oo aanu la yeelanay siyaasiyiinta hoggaanka u haysa ururada siyaasadeed ee diiwaan-gashan. Xog-waraysiyadaa, waxaanu wax kaga weydiinay arrimo badan oo la xidhiidha xirfaddooda siyaasadeed iyo mid kastaaba waqtigii u horraysay ee uu masraxa siyaasadda soo fuulay. Haddaba, waxaanu tirsigan idiinku soo gudbinaynaa waraysi arrintaa la xidhiidha oo aanu la yeelanay Guddoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali Warabe, oo ka mid ah saddex guddoomiye oo faaqidaaddoodu weli hadhsan tahay. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan: S: Guddomiye, goormaa kuugu horraysay ee aad lugaha la soo gashay mihnadda siyaasadda? J: Anigu markayga horeba waxaan ahayd dadkan firfircoonida u dhashay, had iyo gooraalena siyaasiyiinta waxaa ku dambeeya ragga fir-fircoon ee ururada gala, ama guddiyada ardayda. Marka anigu had iyo goor waxaan ahaa nin ururadaa gala oo ku jira. Tusaale ahaan markaan Ruushka joogay, waxaan hoggaamiye u ahaa ardaydii Afrikaanka ahayd ee Jaamacadda aanu ku wada-jirnay, halkaas ayuun bay ka soo bilaabantaa, laakiin siyaasad ahaan waxaan galay 1981, markii SNM la abuuray, waayo qof kasta oo reer waqooyi ahaa waxa gashay inuu siyaasadda galo, balse shakhsi ahaan 15-jir baan ahaa markii aan xusuus-qorkayga ku qoray, inaan maalin maalmaha ka mid ah noqon doono siyaasi ku guulaysta siyaasadda arrimaha dibedda Somaliya. Waxaana berigaa hamadayda kiciyay Madaxweynihii Maraykanka ee John F. Kennedy iyo …… ayaa tusaale ii ahaa. Sidaa aawadeed, markaaba damac siyaasadeed waan lahaa. S: Waxaad tidhi 1981, markii SNM la aas-aasay ayaa iigu horraysay, markaa SNM baad ku biirtay miyaa? J: SMN waxay ka dhalatay cadaadiskii dadkeena lagu hayay, nin kastaba meeshiisha ayay ugu tagtay. Dadka badankiisana markuu daadku u soo galay ayuu nin kastaaba naftiisa ula gal0ay. Markaa anigu markii ururka 1981 la sameeyayba waxaan ahaa dadkii taageeray. S: Markaa adigu xaggee baad joogtay? J: Anigu waxaan dalka ku soo noqday 1974, markaa Muqdisho ayaan ka shaqayn jiray. S: Hargeysa mar aad ka shaqayn jirtay xilliyadaa miyaanay jirin? J: Maya, weligay kamaan shaqayn Hargeysa. S: Xilliyadii kacdoonkii UFFO, ee dhallinyaradu ka aloosmay Hargeysa, waxa la sheegay inaad joogtay, oo weliba aad saaxiib ahaydeen Gen. Gaani, isla markaana aad adigu qabanqaabisay kulamo Jananka iyo xubnaha UFFO isku arkeen, markaa taasi miyaanay jirin? J: Gaani saaxiib baanu ahayn, waxaanu saaxiibnay mar aan haystay hawlaha guud ee Baydhaba, isna uu joogay Waajid. Xilligaa waxaa saaxiib ahaa gabadha aan qabo oo aan waagaas guursaday iyo gabadh ay isaga walaalo yihiin. Gaani-na sidaasaanu isku baranay 1980-kii, oo lay xidhayna isaga ayaa cunada ii keeni jiray, marka cadaadis lay saarana isaga ayaa iga saari jiray. Sidaas aawadeed, saaxiib baanu ahayn, markii la soo beddelayna wuxuu igu yidhi, waar dalkaagii baan tagee, dee kaalay dadkiinii igu soo xeer. Markaa waan imi halkan, waxaan la shiray niman dhallinyaro ah, waxaanan ku idhi, waar ninkan saaxiib baanu nahay, markaa intii laydinku dili lahaa la saaxiiba, oo ka faa’iidaysta saaxiibtinimadayada, markaa way igu diideen. Hase yeeshee, aniga wanaag bay ahayd inaan nin saaxiibkay ahaa oo dalkayga yimi iyo saaxibaday sidaa u sameeyo. Waxaanan islahaa gabbood haka dhigtaan, waanay ila garan waayeen xaqiiqdii. S: Waxay dadka qaar tuhunsan yihiin, in xidhiidhkaa aad ka dhex-waday dhallinyarada iyo Gaani ee aad isku baraysay uu qayb ka ahaa arrimihii xabsiga loogu taxaabay kooxda UFFO, sidaa aawadeedna adiga laguu aaneeyo arrintaas, markaa maxaad adigu taas ka leedahay? J: Waxa weeye, Isaaq wuu is-yaqaanaa, rikoodhkii NSS-tuna wuu jiraa, aniguna waxa laygu yaqaanaa nin hadallo cad-cad, cadkiisa dhacsada. Maantana haddaan anigu raggaa ahay, halkan maan joogeen, raggii xiniinyaha ka garaacay Itoobiya joogaan, xabbad baan ula tegi lahaa, meelahana kama yooyatameen. S: Had iyo goor waxaa lagugu tilmaamaa inaad tahay nin cunsuriya oo reer koonfureedka (Somaliya) neceb, markaas kol haddaad saaxiibo waaweyn ku leedahay maxaad ku nacday? J: Anigu koonfur wan aqaanaa, oo 15-jir baan ku tegay, maantana Somaliland, meel aan dhul ku leeyahay Ceeri-gaabo ayaa jirta, waxaanan ka iibsaday 1979. aniga oo gurigayga fadhiya ayaa la ii yimi oo la igu yidhi ina-Uunlaaye ayaa afartan balloodh ka iibsaday. Maalintaas ayaanu annagoo ah 13 nin oo reer Hargeysa ah nidhi, waar aynu dhul ka iibsano C/gaabo, anigoo keli ah ayaana fuliyay taas. Guryahayagii oo dhami koonfur bay yaallaan, koonfur nin laygaga jecel yahayna ma jiro, oo anigu nin bulsho ayaan ahay, ee ma ihi nin cuqdad qaba. Xaqdarradii lagu sameeyay dadkeena ayaan anigu ka gilgilshay, iminkana iyaga xaqdarro kuma wado, ee xaqayaga ayuun baan ceshanaynaa. Waxaan ogahay haddii aynu koonfur ku darsano inuu jiritaankeenu lumi doono, waayo waxaynu nahay dad cadowga samaysta, iyaga oo aan u diyaar-garoobin. Waynu af-xunahay, haddana innagaa dadka u liidana, sababtoo ah qofku hadduu cadow samaysto waa inuu diyaar-garoobaa. Waxaynu nahay dad iyagu isku jeeda, oo aan shisheeyaha arkaynin. Kuwa Carta tegay ee inaga mid ahina, caqli kumay tegin ee xumaan la xumeeyay oo dad ehelkood ahi xumeeyay ayay ku tageen. Markaa ummad baa innagu dhex jirta aan dadkii oggalayn oo aan wax iska celinayn, haddaynu shisheeye wax la qaybsanana aan qaybtooda qaadanaynin, ehelna aan oggolayn. Markaa ummaddu hadday is-oggolaan weydo, waa inuu shisheeye yimaadaa. S: Inta badan waxaad xoog u dhaliishaa siyaasiyiinta waaweyn, markaa ma kaanbaynka ayuun baad uga jeedaa, mise wax kalaa jira? J: Kaanbaynka aniga oo aan ku jirin ayaan dhaliili jiray. Aniga horta fikradda aan ururka ku sameeyay waxay igu dhalatay 1992. waxayna ahayd markii Burco dadku isku laayeen oo aanaan filaynin. Waxaana qodobada ururka ka mid ah, inaan wax allaale iyo wixii lixdankii ilaa maanta Somaliland siyaasadda ugu jiray in la barraxo, oo meesha laga saaro, oo aan la kala jeclaysan, waa isku jaad’e. nimankii aanu doonaynay inay ummadda u dhisaan dawlad caddaalad ah, oo aan qabiil ku salaysnayn. Waxay noo keeneen inay yidhaahdaan reer hebel. Dawladdii 1991, raggii qabiil ahaan ku dumiyay, ee kii kalena ugu jawaabay haddaanan Xamar kugu tuurin, ee tii ka dambaysay dumiyay, kuwaa weeye horta kuwa aan la dagaalamayaa, maaha niman danteena ka shaqaynaya, oo danta reerkooda ka shaqaynaya, oo ta jilibkooda ka shaqaynaya. Hadday ka shaqaynayaan toban sannadood baanu daawanaynay oo aanu lahayn wada, markaa saw may wadi kari waayin. S: Yaa ka mid ah kuwaas? J: Waa la wada yaqaanaa, anigu waxba kala saari maayee, siyaasiyiinteenii hore oo dhami waa isku wada jaad. Mana kala jeclin oo kuwaa Carta tegay iyo kuwa halkan joogaba nin ay niyad ka tahay Somaliland oo siyaasi ah, ama SNM-tii ha ahaado ama yuu ahaanine ma jiro. S: Ninka siyaasiga ah ee SNM ahaa ee u soo dagaalamay ma waxaad leedahay raali kama aha Somaliland? J: Hadday daacad ka ahaayeen, waxay waddanka soo gelin lahaayeen SNM midaysan, oo nidaam leh. Markaa ninkaanu kalsoonidii iyo aaminaadii dadka siinay, inuu noo dhiso urur nidaam leh iyo dawlad nidaam leh, wuu ku guul-darraystay. 1991-kii dawlad baa la sameeyay, haddana iyaga ayuun baa is-burburiyay. Ina-Ibraahim Cigaal baa yimi, koox baa keentay, anigu waxaan idhi halala shaqeeyo, waxaanan ka mid ahaa raggii lagu xaman jiray, maan eegayn cidda ay tahay ee waxaan eegayay danta Somaliland, haddana iyadiina waa la dayn waayay. Markaa, siyaasiyiintaa hore oo dhami kama daacad aha Somaliland, waxay wadaana waa isdaad-raacin. S: Iminka, adiga muxuu hankaagu yahay, ma waxaad doonaysaa inaad Madaxweyne noqotid? J: Anigu waxaan ahay ninkii ugu horreyay ee marka laga reebo ururka UDUB, sameeya ficil ah inuu noqdo Madaxweyne. Madaxweyne ayaan doonayaa inaan noqdo, waxaanan hubaa inaan Madaxweyne wanaagsan noqonayo, oo dadka ka socda, oo aan dadka isku dilaynin, oo aan bays qabiil lahayn, oo aan bays musuq-maasuq lahayn, oo aan bays Wala-weyn lahayn, oo aan saaxiibo Wala-weyn ku lahayn, ayaan ahay. Waxaana hoggaamiye noqon kara nin qaran oo aan nin qabiil ahayn, aniguna nin qabiil ma ihi. S: Oo Faysal, Gen. Gaani-ba miyaanu ahayn reer koonfureed, maxaad u leedahay saaxiibo kuma lihi? J: Gaani aniga saaxibkay wuu ahaa, oo waxaad I weydiisay 1981-kii, laakiin 82-kii markuu inamada xidh-xidhay, anigana wuu I khiyaameeyay, oo wuxuu yidhi, ninkaasi wuu ku jiray, oo ninka ururka u madaxda ahaa Aadan Cali Guhaad bay ilmaadeer ahaayeen. Markaa anigana markiiba waa lay xidhay 1982. waqtigaa ilaa haddana ma wada socono. S: Taageero intee le’eg baad fialysaa in ururkaagu bulshada ka haysto? J: 70%, magaalada Hargeysa, haddii UCID heli waayo, waxaad tidhaahdaa Faysal waxba ma yaqaano. Ururada Mucaaridka Ah Oo Ku Doodday In Isku Milanka Dawladda Iyo UDUB Yahay Carqaladda Doorashada
Harg (Haatuf):- Ururada mucaaradka ee Somaliland, ayaa shalay ku dooday in waxay ugu yeedheen “Isku milanka dawladda iyo ururka UDUB”, yahay carqaladda ugu weyn ee hortaagan in doorasho xalaal ahi ka dhacdo dalka JSL. Aragtidan oo u muuqata mid ay isku wada raacsan yihiin dhammaan ururada mucaaradku waxay mar kale soo shaac-baxday markii shalay kulan dood ahi ku dhexmaray xisbiga UDUB iyo xubno ka socda ururada siyaasadda ee mucaaradka. Doodan oo ay soo qabanqaabisay Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarinta ee Somaliland, waxa ka soo qaybgalay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, xubno ka tirsan guddida doorashooyinka iyo wasiiro ka mid ah ururka UDUB. Xubnaha mucaaradka ee ka qaybgalay fadhigii shalay ayaa mid-mid iskaga daba raacay in intay dawladda iyo UDUB is-huwan yihiin aanay suurto-gal ahayn in doorasho xalaal ahi dalka ka dhici karto. Waxaana qaar ka mid ah ururada mucaaradka ahi sheegeen in talo meel u taalo haddii aan arrintaas wax laga qaban waqtigan xaadirka ah. Arrimaha ugu waaweyn ee mucaaradku xukuumadda ku eedaynayaan waxa ka mid ah; inay hantidii iyo awoodii qaranka ku badhi-taageerayso ururka UDUB, taas oo siday sheegeen ku dhex-abuurtay walaac iyo kalsooni-darro ay ka qaadaan doorashadu si caddaalad leh u dhacdo. May ahayn dhacdadii shalay tii u horraysay ee ururada mucaaradku ay si toos ah iyo si dadbanba u muujiyaan shakiga ay ka qabaan qorshaha xukuumadda Somaliland ka leedahay doorashada dalka ku soo fool leh. Mucaaradku waxay xukumadda Madaxweyne Daahir Rayaale dhalleecayntan oo kale hore ugu soo jeediyeen fadhi kale oo kii shalay la mid ah oo lagu qabtay Hotel Maansoor 12 cisho kahor. Hase yeeshee, Maamulka Madaxweyne Rayaale weli mawqif cad iskama taagin dhalliilahaa xooga leh ee mucaaradku ku andacoonayaan in ururka UDUB u isticmaalayo hantida dawladda, isla markaana aanay suurogal ahayn in ururada kale la tartamaan. Inkasta oo kulankii shalay ay ka soo qaybgaleen laba xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada oo kala ah wasiirka ganacsiga Rashiid X. C/laahi iyo wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Ducaale, haddana waxay labada wasiir kaga qaybgaleen wadahadalkii shalay, iyaga oo ku hadlaya afka ururka UDUB, taas oo goobtii fadhiga ka furtay dood ku saabsan halkay UDUB iyo dawladdu ku kala baydhayaan, iyada oo qaar ka mid ah qolada ka mid ah mucaaradku ay goobta ka sheegeen in xukuumadda talada haysa ay isu dhigto mid ku timid doorasho hore oo ay ku guulaysatay halkay iyadu ururada tartamaya dhex u ahaan lahayd. Mr. Rashiid X. C/llaahi ayaa isaga oo ka faaloonaya qodobkan ayaa yidhi; “Haddii aanu nahay xubnaha dawladda talada haysa xaq baanu u leenahay in aanu doorashada isu taagno.” Rashiid wuxuu intaas ku daray in wixii ku saabsan ku takri-fal hantida dawladeed (Abuse of public resources), laga wada hadli karo, balse aan xubnaha xukuumadda la duudsiyi karayn xaqa ay leeyihiin inay ka qaybgalaan doorashada. Waxa kale, oo fadhigii shalay lagu go’aansaday in ururadu Akaademiyadda u soo gudbiyaan mawqifkooda ku saabsan doorashooyinka dalka ka dhici doona. Wasiirku wuxuu ku ballan-qaaday warfaafinta dawladdu ay si siman ula macaamili doonto dhammaan ururada siyaasadda. Waxa kale, oo wasiirku sheegay in wargeyska dawladda ee Maandeeq uu iskii u madax-bannaan yahay oo uu xukumo Tifaftire Guud (Muuse Aadan). BADHEEDHAHA WARGEYSKAMuwaadin: La Shaqee Oo Garab Sii Booliska
Inta uu qofkasta oo shicibka Somaliland ahi uu ku mashquulsan yahay danihiisa gaarka ah inta badan magaalooyinka iyo deegaano badan oo Somaliland ah waxa isagu markuu sida daacada ah u shaqaynayo ku hawlan ilaalinta amaanka iyo hantida dadweynaha hawlwadeen qaran oo loo yaqaan boolis, hawlwadeenkan waa muwaadin kula wadaaga dano badan waa qof u adeegaya in lagu wada noolaado nabadgelyo iyo inaan gef iyo gardarro lagu sameyn dadka ku nool dalka muwaadin iyo ajanabi labadaba. Boolis waa ilaaliyaha sharciga, waa fuliyaha sharciga, waa gacanta degdega uga jawaabta xumaha dhaca. Boolisku waa hay’adda ay aad isugu xidhan yihiin dadweynaha oo loo baahan yahay in ay wada shaqayn iyo gacan siin kula shaqeeyaan dadweynaha. Arrintan macneheedu maaha in aan qofka Booliska ahi uu marwalba si saxa u shaqeeyo, laakiin magaca Boolis iyo qaabka loogu talo galay inuu u hawl galo ayaa ah mid ku abtirsanaysa sifaha aynu xusnay, kan aan la shaqayntiisa iyo garabsigiisa ku dhiiri-gelinayno muwaadiniintana waa kaas, laakiin way dhacdaa in uu shaqsi ku dhaqmo sifaha loogu talo galay magaca shaqo ee uu sito mid ka duwan. Taasoo sababi karta in qofka shicibka ahi uuka shakiyo dacaadnimada hawsha ay qabtaan dadka kale ee la shaqada ah qofkaa uu la kulmay. Guud ahaan garabka lagama maarmaanka u ah shaqada Boolisku waa taageerada dadweynihiisa oo ku caawinkara wargelin, tilmaamis, digniin iyo ka qayb galka tooska ah marka ay boolisku shaqo kaga hortagayaan fal waxyeelo u leh amnigooda, arrintan oo niyada booliska hawshaas ku jira siin karta kalsooni dheeraadda oo uu ku waajaho, hawsha qaran ee uu gudanayo, taageerada booliska daacada ah ee dadweynihiisa waxa kale oo ay niyad jab ku tahay nacabka lidka ku ah nabada, wada noolaansha, xalaal xoogsiga, iyo horumarka oo noqon kara shaqsi, koox, dalka gudihiisa jooga ama kuwa ka baxsan. Dulucda arrintani waxay tahay in qof walba oo guriga ku haysto hub si uu amnigiisa u ilaaliyo maaha mid sugaysa amniga guud ee ummada iyo xataa ta shaqsiga sidaa rumaysan ee ku dhaqma ee waa arrin dhiiri galinaysa. Nabad gelyo xumada haysashada hubka oo qayb weyn ka ah fal dambiyeedada, laakiin la shaqeynta booliska oo u tamarinaysa kaafiga hawlaha looga baahan yahay ayaa ah mid dhiiri galinaysa nabada, sharci fulinta iyo kala dambeynta aasaaska u ah nidaamka dawlad ku dhaqanka ee dunida isku raacday inuu yahay kan loo maro deganaashaha iyo horumarinta siyaabaha loo gargaaro shaqada Booliska, waxaa ka mid ah wargali Booliska haddaad aragto, qof, koox, shaki leh oo u muuqda qaar ku socda inay fuliyaan fal ku lid ah nabad gelyada, war gali Booliska haddii aad aragto qof, koox u muuqda inay soo fuliyeen fal dembi ah, muwaadinka ku dhaqma talaabooyinkan wuxuu ka qayb qaatay adkaynta nabadgelyada iyo la dagaalanka xumaha, taasoo uu ka mid yahay ummadda guranaysa nabada ka dhalata. Hargeysa Iyo Bandhig-Suugaaneedka Hadraawi
Bandhig-suugaaneed uu hal-abuurka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ku soo bandhigayo murti iyo maansooyin kala duwan ayaa xalay ka furmay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Bandhig-suugaaneedkaas, waxa soo qaban-qaabiyay Akademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, waxa uu socanayaa shan habeen, isaga oo Abwaanku ka warramaya mawadiic door ah oo ay ka mid yihiin; macnaha suugaanta, geeddi socodkiisii suugaaneed bilowgii ilaa waqtigan, maansooyinkiisii u dambeeyay oo uu sharrixi doono iyo su’aalo laga weydiinayo suugaantiisa. Xafladdaas xalay oo lagu marti-qaaday dad ka badan 100 qof, oo isugu jira qaybaha bulshada, waxa ugu horrayn ka hadlay Guddoomiyaha Akedemiyadda Nabadda iyo Horumarinta Dr. Xuseen C/llaahi Bulxan, oo ka warramay ujeedada bandhig-suugaaneedka, isaga oo sheegay in loogu talogalay in dadweynaha la tuso inay jiraan gole ka duwan ka siyaasadda oo ay dadku ka hadli karaan kuna doodi karaan. Abwaan Hadraawi oo marti loo ahaa ayaa kadib lagu soo dhaweeyay, waxaana uu ku furay barnaamijka maansadiisa BADBAADO oo ka mid ah maansooyinkiisa ka dambeeyay buuggiisa HAL-KARAAN. Maansadaas oo ah duco, waxa uu abwaanku ku tilmaamay “Belaayo-xijaab,” isla markaana maansadaas oo uu abwaanku tiriyay badhtamihii sagaashaneeyadii, waxa ay waafaqaysaa xaaladda cakiran ee hadda dunida ka taagan, gaar ahaan hanjabaadaha Madaxweyne Bush ka soo yeedhaysa beryahan dambe, iyo isu-diyaarinta dagaal uu ku qaado Ciraaq, iyada oo ay maansadaa tuducyo ka mid ahi odhanayaan; “Allahayow badbaadada iyo baydhka xilashada ha ku xidhin Bush iyo John Boris Yalsin… iyo gaal wax badowsada.” “Allahayow badbaadada ha ku xidhin nin beer adag iyo bahalo aan nixin.” Maansadaas kadib, abwaanku waxa uu sharraxay asal ahaan suugaantu waxa ay tahay, taas oo ahayd qodobka ugu horreeya ee bandhig-suugaaneedka. Waxa kale oo uu ku soo xidhay barnaamijkaas xalay, maansadiisa “Anuunbaa hooyadaa ah”, taas oo uu sharraxaad ka bixiyay sida ay ku timi iyo waxa ay ka hadlayso. Maansadan oo iyana ka hadlaysa xaqa hooyadu ku leedahay ubadkeeda iyo boholyowga ay markasta hooyadu la deris tahay, ubadkana ay hawadu u lumiso, waxa ay qiiro gelisay dhammaan dadkii dhegaysanayay. Abwaanku waxa uu xusay in habeenada soo socda uu ka hadli doono maansooyinkiisa, waxaana uu sheegay in ay qorshaha ugu jirto inuu masraxa keeno dhallinyaro suugaanyahanno ah oo jiilka cusub ka soo baxay, kuwaas oo uu sheegay inuu isagu u bannaynayo kaalinta, isaga oo markalena ku celiyay in uu soo gebogebaynayo suugaantiisa. “Sidii marar badanba aan goleyaal uga idhi xilligu wuxuu ku fiican yahay cid walba inaan hibooyinku ku lumin magaca weyn oo aanu isku gudbin magac-weyn oo hebel la yidhaahdo oo waqtigiisu qaatay,” ayuu yidhi Hadraawi, isaga oo ka hadlaya sida loogu baahan yahay in jiilka cusub loo banneeyo darka. “Nin waliba lixdankii iyo intii ka horraysay halkuu yuurursaday ayuu soo fadhiyaa oo uu leeyahay la iigu iman maayo,” ayuu raaciyay. Waxaana uu sheegay in mihnad kasta ay u baahan tahay in qofku ka fadhiisto ama ka leexdo inta la jecel yahay ee uu caafimaadka iyo dardarta qabo. “Suugaanta keliya iyo gabayga ma aha siyaasadaa ka mid ah..” ayuu yidhi. Abwaanku marka uu ka hadlayay arrintan oo uu tilmaamay in qofka ku sii adkaystaa uu ceeb uun uga dhacayo, dhinaca kalena ay dulmi ku tahay da’yarta ku xigta. Waxa hortiisa soo fadhiyay wasiirka warxbarashada Somaliland Md. Axmed Yuusuf Ducaale, oo ka mid ah siyaasiyiintii lixdankii. Abwaan Hadraawi, waxa dhinacyadiisa fadhiyay Rashiid X. C/laahi oo ururiya suugaanta Hadraawi iyo Yuusuf Cismaan (Yuusuf Shaacir) ama (Xiito) oo uu Hadraawi sheegay inuu ka mid yahay ragga la wareegaya suugaanta haddii isaga (Hadraawi) iyo aynigiisu ay ka fadhiistaan. Bandhig-suugaaneedkaas waxa uu caawa ka sii soconayaa tiyaatarka wasaaradda war-faafinta. Golaha Wakiillada Oo
Ansixiyay Ajandaha Kalfadhigiisa 18aad Harg (Haatuf):- Fadhigii shalay ee golaha wakiilada Somaliland, ayaa lagu ansixiyay ajandaha kal-fadhiga 18aad, kadibmarkii muddo laba toddobaad ah la isku mari la’aa meel-marintiisa. Weriye Saleebaan Guray oo ka tirsan Haatuf ayaa sheegay ajandaha shalay la meel-mariyay oo ka kooban toban qodob, waxaa golaha la horkeenay toddobadii September 2002, si loo ansixiyo. Hase yeeshee, waxaa meel-marintiisa ragaadiyay muran qallafsan, kadib markii mudanayaashu ku kala aragti fogaadeen habka loo dhigay qodobo ka mid ah ajandahaas, taasina ay khilaaf dhex-dhigtay shir-guddoonka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada difaacayay xukuumadda, kuna doodayay in meesha laga saaro qodob sheegaya in loo yeedhi karo Madaxweynaha, si loo qiimeeyo wax-qabadkiisa muddadii uu xilka hayay. Hase yeeshee, waxa arrinta soo dhexgalay xubno mudanayaal ah oo turxaan-bixin ka dhex-dhaliyay labada dhinacna is-afgarad ka dhexdhaliyay. Guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), oo kulankii shalay furay ayaa sheegay in la soo af-jaray is-faham la’aantii jirtay, xaaladduna ay deggan tahay. Qaybe wuxuu intaa ku daray, mudayaashana u cadeeyay wax ka beddel lagu sameeyay qodobka sheegaya u yeedhista Madaxweynaha. “Qodobkii ahaa Madaxweynaha waa loo yeedhi karaa waxaa loo bedelay xukuumadda waa loo yeedhi karaa,” ayuu yidhi Qaybe, oo sharraxaad ka bixinayay xalka laga gaadhay khilaaf golaha dhexdiisa ka jiray. Ajandaha kal-fadhiga 18aad ee caadiga ah, waxaa ansixintiisa oggolaaday 39 oo ka mid ah 44 mudane oo fadhigii shalay ka qaybgalay. Afar mudane ayaa diiday, Guddoomiyahuna ma codayn. Ajandaha lagu oggolaaday fadhigii shalay oo toban qodob ka koobanina waa kan: 1. Warbixinta shir-guddoonka, guddiga joogtada ah iyo guddiyada kale. 2. Ansixinta miisaaniyadda dawladda ee 2003. 3. Xog-waraysi guddiga doorashooyinka qaranka. 4. U yeedhida xukuumada, si wax looga weydiiyo gudashada xilkooda; siduu tilmaamayo qodobka 53aad, farqaddiisa 6aad ee dastuurka. 5. Ansixinta mashaariicda sharci v Xeerka nidaamka garsoorka v Wax ka beddelka cashuuraha dawladda dhexe v Xeerka saxaafadda v Xeerka macdanta v Xeerka anshaxa guud v Wax ka beddelka xeerka degaanka (xeer No. 4) v Xeerka ciqaabta iyo habkiisa v Xeerka madaniga iyo habkiisa v Lifaaqa xeerka doorashooyinka (doorashada baarlamaanka JSL) v Xeerarka kale ee dastuurka ka dheegmaya 6. Ansixinta mas’uuliyiinta qaranka v Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka v Wasiirka horumarinta reer miyiga iyo degaanka v Hanti-dhawraha guud ee qaranka v Mas’uuliyiinta kale ee Madaxweynuhu soo magacaabo 7. Xisaab-xidhadii miisaaniyadihii 2000 iyo 2001 8. Xog-waraysiga mas’uuliyiinta qaranka iyo xeel-dheerayaasha madaxa-bannaan ee loo baahdo. 9. Arrimaha kale ee muhiimka ah ee soo kordha. Isla fadhigii shalay ee golaha wakiilada waxa shir-guddoonka goluhu oggolaaday soo jeedin ka timi mudanayaasha, kuna saabsanayd in dib u eegis lagu sameeyo xeer hoosaadka golaha wakiilada. Sidaa darteed, wuxuu shir-guddoonka oo cuskanaya qodobka 11aad ee xeer-hoosaadka golaha una fasaxaya magacaabistaas uu soo magacaabay siddeed mudane oo ka soo baaraan-dega dib u eegistaa. Mudnaayaashaasina waxay kala yihiin: 1. C/Raxmaan Xuseen Cabdi (Baydaani), Guddoomiye 2. Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Ku Xigeen 3. Xuseen X. Cabdi Caamir 4. Maxamed Axmed Saylici 5. Cali Maxamed Aadan (C. Barre) 6. Garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi 7. Sh. Cumar Cabdi Ismaaciil 8. Axmed Xirsi Caamir 9. Maxamed Cismaan (Mu’adinka), Xoghaye. Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Falkii Lagu Dhacay Gaadhiga WFP Hargeysa (Haatuf): Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Mr. C/laahi Cumar Cige ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha ee JSL. Mr. C/laahi Cumar Cige wuxuu shirkaa jaraa’id warbaahinta ugaga waramay falkii maalintii khamiistii lagu la kacay gaadhi ay leedahay hay’adda cuntada adduunka ee WFP xafiiskeeda Hargeysa waxaanu yidhi wasiirku isagoo ka hadlaya arrintaa “sidaad idinkuba ogtihiin dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland maanta wuxuu ku naaloonayaa nabad gelyo buuxda, midnimo wada-jir iyo isaga oo hiigsanaya, horumar fog, waxa aynu maanta haysanaa, Caalamka wax yar ayaa haysta runtii heerkan Somaliland waxay ku gaadhay oo kaliya, wadajirka iyo isku aragtida shacabka iyo dawladda, sidaas ayaa Somaliland heerka ay maanta joogto ee nabadeed ku gaadhay, hase yeeshee Somaliland waxay leedahay cadow aad u faro badan, oo u xadhig maleegaya horumarka Somaliland gaadhay in la waxyeeleeyo, taasaa jirta, taas oo ay ugu weyn tahay dawlad ku sheega Carta ee Xamar ka dhisan, baabuurka hay’adda WFP, ee la dhibaateeyay waxay ahayd waxyeelo aynaan waayadan arag, waxaanuse haynay oo jirta in kuwaa aan tilmaamayay ee cadowga ahi ay u xadhig maleegayaan oo kuwo inaga inaga mid ahi ay adeegsanayaan si horumarkeena loo waxyeeleeyo, sidaas darteed baabuurka waa ogtihiin ilaa hadda waan raadinaynaa Boolisku wuu raadinayaa, waxaanu ku rajo weynahay in boolisku nimankaa gacanta ku soo dhigaan, raadad wan-wanaagsan iyo hawlo boolisku runtii wuu wadaa, Inkasta oo aanu ka jeclayn oo ay ka wanaagsanayd in markiiba gacanta lagu soo dhigo, haddana ma ay suurtoobin, waxaanu ku rajo weynahay in si deg-dega, degdega gacanta loogu dhigo iyaga iyo kuwii waxaa xadhig maleegay, sidaas ayaanu ku rajo weynahay baabuurkiina hay’addii lahayd ayaanu gacanta u galinay, ninkii ku dhaawacmay meesha ee dirawalka ahaa Tima Cadde. Hay’addaa markiiba qaaday isaguna wuu ladanyahay, warka sidaanu ku helnay aad buu u fiican yahay.oo Jabuuti ayay gaysay hay’addu” Mr. C/laahi Cumar Cige isagoo ka jawaabaya su’aal ahayd kol haddii uu falkaasi ka dhacay Hargeysa in Ciidanka boolisku uu dhaliil leeyahay, wuxuu wasiirku qiray in dhaliili jirto booliska dhinacooda, laakiin ay haddana dadaaleen Boolisku Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mr. C/laahi Cumar Cige wuxuu intaa ku daray in sababta uu shirkan jaraa’id u qabtay ay tahay in markii ay dhacdadu dhacday ay jaraa’idku mid walba siduu doono wax u qoray, sidaas daraadeed ay ka haboonayd in intaan la qorin wax la weydiiyo. Ururka Ucid Oo Bilaabay Ololihiisa DoorashooyinkaHargeysa (Haatuf): Ururka UCID oo ka mid ah ururada siyaasiga ah ee ka jira Somaliland ayaa maalintii shalay bilaabay ololihiisa uu ugu diyaar garoobayo Doorashooyinka dawladaha hoose oo lagu wado inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha bisha Diisamabar ee soo socota waxaanu shalay galinkii dambe ururka UCID ku qabtay xaafadda Maxamuud Haybe “Ex. Guryasamo” ee magaalada Hargeysa isu soo bax ballaadhan kaasoo lagu qabtay barxada ka dambeysa Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali. Fagaarahaasina waxaa dadweynaha kala hadlay Madaxda sare ee ururka UCID, oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha ururka Faysal Cali Waraabe, Xoghayaha abaabulka ee ururkaasi Cumar Maygaag Samatar, Xoghayaha arrimaha dibadda C/Raxmaan Ciro, Xoghayaha xidhiidhka gobolada siciid Jaamac, iyo masuuliyiin kale. Gudoomiyaha ururka UCID Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyay fagaarahaasi ayaa ka waramay sida uu ururka UCID ugu diyaar garoobayo doorashooyinka dawladaha hoose ee soo socda, waxaanu sheegay inuu ururkoodu u xulayo xubnaha Golaha deegaanka dad uu hamigoodu yahay inay magaalada wax u qabtaan ee aan ka fikirayn hungurigooda oo kaliya “waxaa inagu soo socda doorashooyin, idikaanay midida daabkeeda haya oo xulanaya cidaad talada u dhiibanaysaan ee idiin shaqaynaya haddii uu si fiican idiinku shaqayn waayana waad iska eryaysaan” ayuu yidhi isaga oo intaa ku daray “anagu markii aanu aragnay inuu dalkani u baahan yahay in Madaxda laga badelo ayaanu UCID samaynay, waxaanu isbadalka ka bilaabaynaa dawladaha hoose, sidaa darteed doorashooyinka soo socda waxaanu idin horkeenaynaa liis ay ku qoran yihiin 25 musharax oo aanu ku soo xulnay sida ay wax u qaban karayaan Idinkana aad taqaaniin” ayuu yidhi Faysal Cali. Waxaanu uga digay dadweynaha inay musharixiinta ku qiimeeyaan qabyaalad taasoo uu ku tilmaamay inay tahay ta dalka ugu wacan dib u dhaca balse waxa uu dadweynaha ku booriyay in ay musharixiinta ku qiimeeyaan sida ay Ilaahay uga cabsadaan, iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay dalkooda wax ugu qabtaan. “waa inaad iska ilaalisaan kuwa tobanka jeebleh ee u socda inay hantida ummadda boobaan, kuwii Koonfurtu afar jeebay lahaayeen, kuweenuse Toban jeeb bay leeyihiin” ayuu yidhi Gudoomiyaha ururka UCID isaga oo balan qaaday inay ka shaqayn doonaan horumarka dalka. Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Cumar Maygaag Samatar oo ah Xoghayaha abaabulka ee ururka UCID waxaanu dadweynaha kula dardaarmay inay iskaashadaan oo wax wada qabsadaan. Xoghayaha arrimaha dibadda ee UCID C/Raxmaan Cirro ayaa isna sheegay inuu ururkoodu dadaal ugu jiro sidii ay Somaliland Ictiraaf u heli lahayd laamo kale duwan ay ku leeyihiin Caalamka. Isu soo baxan uu shalay ururka UCID ku qabtay xaafada Maxamuud Haybe (Ex. Guryasamo) waxa uu hor dhac u yahay munaasibada sidan oo kale ah oo uu ururku qorsheeyay inuu maalmaha soo socda ku qabto shant Degmo ee ay ka kooban tahay caasimaddu Wuxuu Yaraantiisii Ku Soo Koray Xukuno Mileteri
Wuxuu u dhashay dalka Ghana ee Afrika, yaraantiisii wuxuu ku koray miyiga waqooyiga Ghana. Shahaadadiisii ugu horraysay ee Jaamacadeed wuxuuka qaatay Jaamacadda culuunta iyo teknoolajiyadda ee ku taal Kumasi – Ghana. Wuxuu shahaadada Master ka qaatay jaamacada Pittsburgh. Naab Mathias Zana, hadda wuxuu ku hawlan yahay waxbarasho shahaadada PHD, waana hawlwadeen ka tirsan Barnaamijka (UHURU), ee qaybta Afrika ee mac-hadka IRI. Naab, isaga oo ka hadlaya dimuqraadiyadda wuxuu yidhi; “Dimuqraadiyaddu waa in ay noqotaa tiirarka dhagaxa ah ee qaran waliba uu ku xaqiijinayo xorriyadda iyo hor-u-kaca.” Naab Mathias Zana, wuxuu aad u jecel yahay nidaamka dumuqraadiga ah, waxaanu sheegay in nidaamyadii xukun mileteri ee ka jiray dalkiisa Ghana xilligii koritankiisa, in ay ku abuurtay sida uu hadda aaminsan yahay nidaamka dimuqraadiga ah, isaga oo ka hadlaya arrintaasna wuxuu yidhi; “Dadka ku nool dimuqraadiyaddu waxay haystaan xorriyad dhinac walba ah, waxayna tamar u leeyihiin isticmaal hibooyinkooda dabiiciga ah si ay u noolaadaan.” Intii uu waxbarashada kuliyadda ku jiray ayuu Naab Mathias Zana ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee PNC, markii uu ugu codeeyay doorashadii dalka Ghana 1996 ee lagu dooranayay Madaxweynenimada dalka Ghana, wuxuu aad ugu hanweynaa heybtiisa uu u dhashay ee Ghana iyo inuu arkay dumuqraadiyaddii oo shaqaynaysa. Naab Mathias, wuxuu xiiso u hayaa shaqada mac-hadka IRI, gaar ahaan barnaamijyada horumarinta ee la shaqaynaya dawladaha ee aas-aaska laga soo dhisayo nidaamka iyo ku dhaqanka dimuqraadiyadda, ee xukuumadaha laga fulinayo barnaamijkaa dalalkooda. Codeynta Doorashada Kaamboodiya Oo Ku Guul Daraysatay Aqoonsiga Heerka Caalamiga Ah Ee Dimuqraadiya IRI (News Letter): Guddi goob joogayaal qiimeeya doorasho ka dhacday kamboodiya oo ku taal Eeshiya gaar ahaan Indo-China ayuu u diray mac-hadka IRI (international Republican Instute). Doorashadaas oo dhacday bishii February ee sanadkan waxaa mac-hadka IRI guddigii uga qayb galay qiimeynta doorashada hogaaminayay Gudoomiyaha IRI George A. Folsom, waxaanu guddigaasi ka koobnaa 17 xubnood. Doorashadaasi waxay ahayd tii ugu horeysay Kaamboodiya muddo (22) sanadood oo uu xukun Xisbi qudha ahi xukumayay, xisbigaas oo loo yaqaan (CPP) Cambodian People’s Party. Doorashadaas waxaa lagu dooranayay saddex heer oo ah masuuliyiinta hogaaminta, baarlamaanka, iyo dawladaha hoose. Murashixiinta xisbiga CPP ee talada hore u hayay iyo SRP oo ah xisbiga mucaaridka ayaa soo bandhigay mid walba tartamada ololahooda xiligii lagu jiray doorashooyinkii dawladaha hoose ayaa musharixiinta ugu firfircooneyd xisbiga mucaaridka ee Kaamboodiya (SRP), ayaa la laayay, xubno kalina waxaa lagu soo rogay xayiraad dhaqdhaqaaqooda siyaasiga ah, xataa intii aan la shaacin codeyntii ugu horeysay waxaa iska cadayd in aan doorashooyinka loo aqoonsan karin kuwo u dhacay si cadaaladda sababa dhawra awgeed, guddiga iyo hawl wadeenada codaynta oo dhinac qudha ahaa, warbaahinta oo dhinac qudha ololahooda sheegaysay, faaf reeb lagu samaynayay hawlaha tartanka iyo jawiga Siyaasadda la galiyay oo mid leh caga juglayn iyo gacan ka hadal. Qiimeynta xaaladda doorashooyinka ee Kaamboodiya waxaa kale oo ka qayb galay goob joogayaal caalamiya, ooka socday (ANFREL) Asian Network for free Elections iyo midowga Yurub, laakiin mac-hadka (IRI) ee Maraykanka ah oo ka fuliyay hawlo loogu diyaar garoobayo tartankaas dalka Kaamboodiya ka hor doorashooyinkaas ayaa ugu horeeyay oo shaaciyay in doorashada ka dhacday kaamboodiya ay tahay mid aan caddaalad u dhicin. Bishii September ee sanandkii hore ilaa December mac-hadka IRI ee Maraykanku wuxuu tababaray (1,700) kun iyo toddoba boqol oo ah musharixiinta xisbiga mucaaridka ah ee Kaamboodiya. Ugu dambayntii cagjugleyntii, weeraradii iyo si gaara u isticmaalkii warbaahinta dawladda Kaamboodiya ayaa noqday caqabadaha ugu weyn ee hor istaagay in ay Kaamboodiya ku biirto wadamada uu ka jiro hanaanka Dimuqraadiga ahi, Inkasta oo ay arrimahaasi dhaceen xisbiga mucaaridka ee Kaamboodiya wuxuu ku guulaystay (13) ka mid ah Madaxda Maamulada deegaanaada, halka uu xisbiga masuuliyiintiisu ay talada hayaan uu ku guulaystay (1,598) Madaxda deegaanada. Kaamboodiya hadda waxaa diiradda lagu hayaa doorashooyinka mudanayaasha Baarlamaanka Kaamboodiya oo dhici doona bisha July 2003. Mac-hadka International Republican Institute (IRI) ayaa sii wadi doona hawlaha uu kula shaqaynayo xisbiyadda mucaaridka ee Kaamboodiya, iyo tababarista Madaxda deegaanada. MAHADHOOYINKA TAARIKHDA Gumaysigii Reer Yurub
Waxaan shaki ku jirin in gumaysigii ay ku qabsadeen reer Yurub dalal badan oo caalamka ka tirsan, kadib markii horumar ay ka gaadheen dhinaca wershadaha uu ka dhashay sahamintii dhinaca Juqraafiga ee ay dalalka reer Yurub ku heleen degaano badan oo caalamka ka tirsan, kuwaas oo aan hore loo aqoon. Taas oo hordhac u ahayd gumaysigii cusbaa ee reer Yurub ku qabsadeen caalamka, gaar ahaan qarniyadii 19aad iyo 20aad ee miilaadiga. Gumaysiga waxaa lagu macneeyaa inuu yahay (qabsashadii dalalka hore u maray ay qabsadeen dalal badan oo caalamka ka tirsan, iyaga oo kala wareegay dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhaqanka, gaar ahaana dalalka itaalka daran ee qaniga ku ah khayraadka dabiiciga ah). Kaasi waa marka loo macnaynayo si casri ah, balse waxaa jira macne qadiimi ah oo uu leeyahay gumaysigu, kaas oo ah (waa dhaq-dhaqaaq ku salaysan xoog, muquunin iyo ka faro maroojinta khayraadka ay leeyihiin dadka kale iyo ka faa’iidaysiga xoogooda). SABABAHA KEENAY GUMAYSIGAWaxaa jira sababo badan oo keenay gumaysiga, kuna kellifay dalalka reer Yurub inay qabsadaan dalalka kale. Haddii aynu qaar ka mid ah soo qaadano, waxaa ka mid ah; 1. Horumarkii deg-dega ahaa ee ay ku tallaabsadeen dalal badan oo reer Yurub ahi, ayaa keenay in ay dalalkaasi u baahdaan khayraad dabiici ah oo ay wershadeeyaan iyo suuq ay u iib-geeyaan wax-soosaarkooda. Waxaa kale oo ay taasi keentay tartan xoog leh oo ka dhex-dhaca dalalka hore u maray oo uu mid waliba loolan xoog leh u galay in uu ku fidiyo awooddiisa meelaha uu ka heli karo khayraadka uu u baahan yahay iyo suuq-geynta wax-soosaarkiisa, tani waxa ay saamayn xun ku yeelatay dalalka soo koraya oo bar-tilmaameed u noqday tartanka reer Yurub oo qabsaday khayraadkoodii, isla markaana ka dhigtay suuq ay u iib-geeyaan wax-soosaarkooda. 2. Waxa korodhay tirada dadka ku nool dalal ka mid ah kuwa horumaray, sidaa darteedna waxay u baahdeen degaano ay u raraan qaar ka mid ah dadweynahooda, taas oo wax-tar weyn u ahayd koboca dhaqaalahooda. Waxaa kale oo taa ku hoos jirtay nooc ka mid ah fidinta gumaysigooda. 3. Fidinta diinta Kiristaanka ayaa iyaduna ka mid ahayd sababaha ugu waaweyn ee keenay gumaysigii ay reer Yurub ku qabsadeen dalal badan oo caalamka ka mid ah, gaar ahaana dadka cawaanka ah ee aan diinta lahayn. 4. Kadib markii ay dadkii reer miyiga ahaa ee reer Yurub soo galeen magaalooyinka, si ay shaqooyin uga helaan ayay taasi keentay in uu yaraado wax-soosaarkii beeraha ee dalalkaasi, waxaanay u baahdeen wax-soosaarka beeraha oo dibedda uga timaad, halkii ay ka adeegsan lahaayeen dariiq sharci ah sida ganacsiga oo kale ayay qaadeen tallaabo ay xoog adeegsadaan inay dalalka kale ku soo gurtaan khayraadkooda beeraha. 5. Dalal badan oo reer Yurub ah ayaa gumaysiga uga jeeday in ay ku muujiyaan awoodooda si looga baqdo, loogana haybadaysto, taasina ay uga horjoogsato in la soo hungureeyo. 6. Shirkado badan oo reer Yurub ah ayaa helay dhaqaale badan, waxayna samaysteen goobo badan oo ay ku leeyihiin dano dhaqaale, kadibna waxa ay xukuumadahooda weydiisteen gar-gaar ay ku difaacaan danahooda, sidaasi darteed ayay dalal badani u galeen gumaysi siyaasadeed oo ay ku difaacayaan danahooda dhaqaale. 7. Dalal ka mid ah reer Yurub ayaa ahmiyadda siiyay inay ilaaliyaan xidhiidhkooda caalamiga ah, sidaas darteed ayay u qabsadeen goobaha istaraatiijiga ah ee caalamka sida marinada muhiimka ah ee Badda, dekedaha iyo meelaha kale ee muhiimka ah. 8. Dalal reer Yurub ah ayaa gumaysiga uga jeeday inay ku fidiyaan mabaadiidooda iyo afkaartooda si ay dadka kale u gaadhsiiyaan ugana gumaystaan maskaxda. La soco………ODHAAHDA AKHRISTAHA Golaha Guurtida Iyo Guddida Doorashooyinku Ha Noqdeen Dhexdhexaad Golaha Guurtida oo markii ugu horeysay lagu aasaasay shirkii Madaweyn 1989kii iyo kii Bali-Gubadle iyo kii Burco 1991kii. Haddaba golahan oo ah kuwa ugu sareeya ee qaranku leeyahay wuxu ahaa gole nabadoon, gole colaad moose, gole dhexdhexaadnimo gole ah aynu hibo dheerahay Soomaalida kale, gole dab bakhtiiya iyo gole seeska u dhigey islla markaana huriyay ilayskii qaranimada wadankan. Golahan oo lagu cayntey islamarkaa lagaga soo gudbay marxaladdo badan oo adag oo mar walba cadawga Somaliland isku dayay inay ku mijo xaabiyaan Jamhuuriyadda curdinka ah, ayaad doorkan aad moodaa inay wax iska badeleen waqtigan xaadirka ah, oo ay soo dhawaadeen doorashooyinka dawladda hoose iyo jagada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, iyadoo horumarkeena laga dheehan karo sida aynu uga soo gudubnay habkii qabaliga ahaa, loona gudbey habka axsaabta badan (multi party system) ayaa saluuga laga qabaa maanta guurtideena siyaabaha ay ugu horeyso nidaamka Maraykanka ee aynu qaadanay, kaas oo fasaxaya Golaha Senate-ka inay galaan xisbiyada wadanka ka jira sida Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga. Inkastoo ay qurrux badneyd in aynu ku fadhiisino dastuurkeena, inaga oon duuduub ku qaadaneyn nidaamkaa si guurtideenu dhexdhexaad inooga noqoto oo aanay siday Haddaba ururka UDUB ugu milmeen aanay noqon, haddii taasi dhici weydey waxay u muuqanaysaa in golihii halganka intaa leeg soo galay ay maanta qaloocinayaan toobiyihii toosnaa ee ay jeexeen iyagoo Madaxa ku sita ururka UDUB. Sidoo kale wasiiraddii iyo madaxdii hay’adaha dawladda ayaa UDUB xambaarsan, sidaa daraadeed waxan kula talinayaa ururada doonaya inay ka qayb galaan tartanka in aanay u daymo la’aan dawladda iyo ururka isku muuseysan. sidaa daraadeed waxan ku dardaarmaya in guddida doorashooyinku kala noqdaan ogolaanshaha xubinimada ururka UDUB ee ku tagri falaya hantidii Qaranka kuwaas oo Baankii iyo meel kasta u furan tahay, iyadoo lala xisaabtamayn. Maxamed Axmed (Barre Adduunyo) Birsol Hargeysa. Haddaad Xaq Sheegayso Kildhi Laguma EedaamoAniga oo ah muwaadin degen caasimadda Hargeysa waxaan salaamayaa bahda saxaafadda madaxa banaan ee J. Somaliland gaar ahaan warsidaha Haatuf. Waxaan maqaalkaygan ugu jawaabaya maqaal kusoo baxay Jamhuuriya cadadkeedii 1824aad ee ku saabsanaa, Halkee baynu maraynaa? Maqaalkaasi oo si qaawan oo ka baxsan sharciga ama xoriyatul qowlka uu qofka muwaadinka ah uu xaq u leeyahay iyo waxa aanu xaq u lahayn kalagaran waayay. Ninkaasi oo si ula kac ah ama aflagaado iyo been abuur uu maqaalkiisa u qoray. Sidoo kale Jamhuuriya oo iyaduna gaf labaad ka gashay xeerka saxaafadda, qortayna maqaalkaasi bilaa magaca ah. Haddii aan gudo galo maqaalkayga jawaabta ah, Horta soomaalidu waxay ku maahmaahdaa si xun wax u sheeg sixir ka daran, waran kugu soo noqon doona lama rido, Horta marxaladaha uu dalku soo maray mid walba waan joognay sidii ay u dhacday iyo sidii loo xaliyayna waan la soconay. Diinteenuna waxay ina faraysaa in cadhada aan dad u qabnaa aanay inagu xambaarin in aan caddaalada ka tagno intaa ka bacdi Haddii aan wax ka idhaa mudaaharaadkii ka dhacay Boorama markii uu tagay Madaxweynihii geeriyooday Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Vice President waxa uu ahaa mid lagu baahiyay warbaahinta Caalamka, wuxuuna ahaa mid ay abaabuleen dad yar oo kooban, iskumana wada raacsanayn bulshada reer Boorama, waxaana kuu marag ah khudbadii uu marxuumku ka jeediyay markii uu kasoo laabtay Boorama ee uu Gebiley marayay in meel walba afar qof oo xumi joogaan. Haddii aan wax ka idhaa mudaaharaadkii ku xigay ee socdaalkii Rayaale, wuxuu u dhacay mudaaharaadkaasi oo ka kacay labadii nin ee gaalada ahaa ee dalka laga saaray, ka dib markii uu la tashi la sameyay Mr. Rayaale bulshada aqoonyahanka, culamaa’udiinka indheer garadka, iyo Duqayda, go’aana laga soo saaray in aana nimankaasi wax inoo dan ah aanay wadin sidaasna dalka lagaga saaray. Ka dib dumar iyo carruur si xun wax loogu sheegay oo gadoodsan ay mudaaharaad kala hortageen Mr. Rayaale. Ta aad tidhi wax awooda malahayn oo masraxa Siyaasadda wuu ka maqnaa, haddana waxaad sheegtay maqaalkaaga in uu maamuli jiray G/Awdal waxaan arkaa is burin uu hadalkaaga is burinayo. Sideedaba Vice President ka awoodiisa wax qabad waa mid qarsoon waxaana fahma hawsha uu dalka u hayo nin ku dhex jira maamulka sare dawladda. Taasna waxaa kuu daliila Madaxweyne anwar Saadaat markii uu ahaa VP muu muuqan oo kamuu muuqan masraxa Siyaasadda dalka, waxaana aad loo hadal hayn jiray Jamaal C/Naasir. Ka dib markii uu taladii dalka la wareegay, ayaa dadkii ka yaabisay kartidiisa, qaabkiisa hogaamineed markaas ayaa lagu yidhi intii uu noolaa Jamaal maxaad u muuqan wayday? Wuxuuna ku jawaabay, Horta Madaxweyne ku xigeenku waa musbaar ka isku haya doonta ee aan laga maarmi karin muuqana, markaa President Rayaale waa nin aad u nasiib badan, samir, dulqaad uu Alle ku manaystay, waana ta maanta gaadhsiisay heer Madaxweynaha dalka Somaliland uu noqdo. Haddaan wax ka idhaa ta doorashada Horta intaanad wax qorin akhri dalku wuxuu leeyahay Constitution loogu codeeyay aqlabiyad 97%, markaad kaa soo akhrido ayaad ogaan waxa Madaxweynaha xaq loogu leeyahay iyo waxa uu xaq u leeyahay. Arrintan aad ku haystaana ee doorashadiibaa dib loo dhigay aad leedahay waa mid ay xaq u leeyihiin guddida doorashada, go’aanka gaadhisteeda xiliga cayiman ee ay suurto gal tahay in ay dalka doorasho ka dhaco waxaana awood buuxda u siinaya Dastuurka dalka ka jira. Haddaba waxaan kuu sheegayaa Madaxweyne Rayaale waxaa lagasoo doortay Gobolkiisa ee maaha nin meel kale ka yimid dadweynaha ku dhaqan G/Awdal iyo dhammaan dadweynaha ku dhaqan JSL waxay taageero buuxda ayay u hayaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Adigana waxaan kugula talin lahaa in aad ka dayso dadka walaalaha ah ee wada dhashay xumaanta aad ku dhex beerayso, ama aad ku kala fogaynayso. Yaasiin Maxamed Dugsiiye. Hargeysa. Fadhiidnimadda Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha SomalilandSomaliland Ilaahay wuxuu ugu deeqay biyo baddeed iyo xeeb dhererkeedu yahay 850km oo laga helo kheyraad dabiiciya oo kala gedisan sida milixda oo kale. Inkastoo dadkeenu oo sida badan kasoo jeeda nolosha miyiga ee reer guuraaga ah ka aynaan xiisayn cunista kaluunka iyo kheyraadka fara badan ee baddeena, haddana waxa looga faa’iidaysan karayaa siyaabo fara badan. Tan iyo intii uu jiray maamulka Somaliland way magacownayd oo way jirtay Wasaaradda kaluumaysiga iyo horumarinta xeebuhu maadaama dhulkuba ka kooban yahay barri iyo bad waxay ka mid tahay wasaaradaha aan la iloobin ee la xusuusanayay dhinaca dawladda. Has yeeshee waxa muuqata in wasaaradani ka gaabisay waajibaadka ka saarnaa siday ku magacaabantahay wixii loo xilsaaray Waxba ugama qabato dalka iyo dadka in kheyraadkeena badda aan ka faa’iidaysano uma dhaqdhaqaaqdo oo meelo uma tagto in aan suuq iyo cid wax ka qabsata badda oo ummadana wax ka hesho ay wasaaradani doondoonto. Mar walba waxa biyaha Somaliland ee badda cas u soo foof taga maraakiib ajanabiya oo badan oo aan warbaahinta laga sheegin. Waxa nasiib darro ah maraakiibtaa oo ku xadgudba xeerarka caalamiga ah ee qeexaya iyo aan loo soo dhaafin barriga waa inta uu muwaadinku si fudud uga kaluumaysan karro taasoo kuwani ay xeeliga soo gaadhaan oo qaar ka midi yihiin nooca aan waxba reebin ee shabaga jiita kuwaasoo halis u ah baddu in ay nabaad guurto. Fadhiidnimada Wasaaradda kaluumaysiga iyo horumarinta xeebaha waxa iyana ka mida xeebteena oo ay ku badan yihiin ceelasha ama khoorarka lagu helo oo si fudud loogu samaysan karo oo aanay wasaaraddu tixgelin waxaan u arkaa wasaaradan mid iyada iyo kolba dhawr qof oo kale kaga faa’iidaystaan badda Somaliland. Xasan Axmed, Hargeysa |