Haatuf, Cadadki 166, Sep.24, 2002

Cali Salaad Xasan (C/Qaasim Walaalkii)

Oo Laga Mustaafuriyay Madaarka Hargeysa

 

Harg Airport – Abaara 11:30 barqanimo, waxaa madaarka Hargeisa soo caga-dhigtay diyaarad UN-tu leedahay oo ay ka mas’uul tahay hay’adda WFP, nooceeduna yahay D.C.24, magaceedana la yidhaa ECUO-3 (Ekaawo 3).

Waxaa la socday nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha Somaliya C/qaasim Salaad Xasan oo la yidhaa Cali Salaad Xasan, una socday hay’adda Oxfam – Hargeisa.

Cali Xasan oo sitay Passport Somali, No:01088270, isaga oo ku lamaanaa nin Ajnebi ah oo isaguna u socday hay’adda Oxfam, markuu ka soo degay ee uu u yimid laanta socdaalka ee madaarka Hargeisa, ayaa waxay u sheegeen inaan waddanka loo oggolayn ama uu magaalada Hargeisa gudaha u soo galo.

Isaga oo dib loogu celiyay goobta Transit-ka, iyada oo la sugayo inta ay kacayso diyaaradda uu la socday oo noqonaysay bacda nusa-saac.

Haddaba markii u horraysay, waxaanu wax ka weydiinay sarkaal ka mid ah laanta socdaalka oo markaa shaqada ku jiray, waxaanu yidhi; “Waxaanu u celinay annagoo uga shakinay inuu farogelin ku smeeyo arrimaha siyaasada Somaliland, isaga oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha Somaliya C/qaasim Salad, iyada oo aanu amar naga sarreeya ka haysano madaxda sare iyo wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, iyo weliba iyada oo dastuurka Somaliland aanu oggolayn wixii siyaasadda Somaliland  kharbudaad gelinaya.”

Intaa kadib, waxaanu la kulanay hawl-wadeen ka socday shirkadda diyaaradaha ee UN-ta (ECHO-3), oo soo rogayay wixii ay diyaaraddu siday rakaab, waxaanu noo sheegay in Maamulka madaarku ugu sheegay sababta ay u celiyeen Black List-ka, inuu ku jiro oo aanu isagu wax kale ogayn.

Dhinaca kale, markaan wax ka weydiinay Cali Salaad sababta ay socdaalkiisu tahay, wuxuu sheegay inuu yahay nin u shaqeeya UN-ta, horena ugu shaqayn jiray siyaasadna aanu wax shuqul ah ku lahayn, iminkana u socday in hawl UN-ta, gaar ahaan Oxfam.

Xagga hay’adda Oxfam  Hargeisa, ma ay jirin cid mas’uul ah oo ka hor-timid, ee waxaa soo doonay uun darawal waday Land-cruiser ay leedahay hay’adda Oxfam Hargeisa, oo markii ay kacday 12:00 duhurnimo diyaaraddii uu la socday Cali Salaad oo la celiyay.

Waxa lagu tilmaami jiray nin xuurto ku haysta xidhiidhka hay’adda UNDP la leedahay dalka Somaliyada koonfureed, siiba magaalada Xamar. Hase yeeshee, hay’adda UNDP, waxay dhawaan Salaad Boy ku dartay shaqaale la dhimay oo UN-ta ah. Waxa isna ilaa iyo hadda u shaqeeya Cabdi Salaad Boy oo ah tifaftiraha qaybta wararka Somalida ee wakaaladda Q. Midoobay u qaabilsan warbaahinta ee IRIN.

12-kii sannadood ee u dambeeyay Cali Salaad Boy, wuxuu ka shaqayn jiray xafiiska hay’adda UNDP – Somalia ku leedahay magaalada Nairobi. Waxaana muddadii uu hayay shaqadaasi waxa aad looga dareemi jiray nacayb gaar ah oo uu u hayo dalka Somaliland, waxaana ay shaqaalaha Ajnebiga ah ee ay wada shaqayn jireen ku

Waxaan Doonayaa, Somaliland  Iyo Dhulbahante Oo Aan Mar Wada Jaan-Qaadin Inay Talo Mar Isla Wada Helaan”

War aysi – Khaas ah – Suldaan Siciid Cismaan

 

Laascaanood (Haatuf):- Weriye Liiibaan Maaweel Shire, oo ka tirsan Haatuf, ayaa waraysi kula yeeshay magaalada Laas-caanood Suldaan Siciid Cismaan oo ka tirsan Isimada degaanka Buuhoodle, waraysigaas oo dhinacyo badan ka hadlayay wuxuu u dhacay sidan:

S: Suldaan Siciid waxaad warbixin naga siinaysaa hawlihii nabadaynta ee aad beryahan ku jirteen?

J: Labadii dhinac ee dagaalku ka dhaxeeyayba way naga aqbaleen xabbad-joojintii, waxaanuna samaynay guddiyo labada beelood ka tirsan. Waxaanu u xil-saarnay guddi isugu jirta reer Togdheer, Buuhoodle iyo reer Laascaanood. Nabadayntii halkaas bay maraysaa, weli wax siyaasad ah oo la isugu soo hor-fadhiistay ma jirto, waxaana laga yaabaa in ilaa Salaasada wixii kale ee siyaasad ah ee weftigu u socdaan la isugu soo hor-fadhiisto.

S: Shirkii aad Isimadiina Dhul-bahante yeelateen wax ma nooga sheegi karaysaa wixii ka soo baxay?

J: Haa isku aragti waanu ka noqonay wixii aanu ka wada-hadalnay, waxaanu ahaa shir aanu albaabada isku xidhanay Dhulbahante ahaan, kuwa gudaha jooga iyo kuwa dibedda joogaba, waxaanuna ku midaynaynay talayada, si aan khilaaf iyo bur-bur noogu dhicin, markaa waanu ku guulaysanay isku aragtina waanu ka noqonay.

S: Waxa aad isku aragtida ka noqoteen wax ma nooga sheegi karaysaa?

J: Haa, waxaanu isku raacnay in shirar is-daba-joog ah lala yeesho dhinac walba, waqti dhawna ay waddanka yimaadaan rag siyaasiyiin ahi, si talo midaysan loo helo oo burburka labada dhinac looga baxo. Haddiiuu doonayana Dhul-bahante isku tashan karo inuu gaarkii gooni u istaago, talo wax ku ool ah aanu u yeelano, meel qudhana isugu lugo duwano, si aanu u helno dadkii dibeddana in aanu cid ka helno, dadkii talo yaqaanka ahaa, kuwa gudahana aanu wax isugu ogaano. Dadka nala soo hadlay oo ilaa 8000 gaadhaya, oo ilaa siddeed waddan kala jooga, wuxuu heshiiskayagu yahay in dibedda kharash iyo dadba aanu ka helno. Haddana weftiga iyo nabadgelyada la ilaaliyo, shirarkuna ay sii socdaan, cid kastana si raali-gelin ah loola hadlo, laakiin go’aankayagu wuxuu noqday gudo iyo dibedba in nabadgelyada la adkeeyo.

S: Sidee ayaad u aragteen weftiga ka socda Somaliland ?

J: Horta weli waxba may soo bandhigin weftigu, taasna waxaa laga jawaabayaa marka la gaadho, ee ay soo bandhigaan hindisahooda iyo qorshihii ay la socdeen. Balse iminka nabadgelyada ayay yidhaahdeen wax baanu idinkala qabanaynaa, annaguna waanu uga mahad-naqaynaa

S: Suldaan waxa jirta, inaad kala taageersan tihiin maamulo kala duwan, markaa adigu dhinacee ayaad taageersan tahay?

J: Waxa weeye, sida runta ah aniga degaankaygu wuxuu ku yaalaa Buuhoodle iyo Burco inta u dhaxaysa, waxaanan ogahay waxa Somaliland la yidhaahdaa inay tahay dad iyo dal, markaa wax kaleba ha la isku hayee anigu dhulka aan deganahay waxa weeye dhulka Somaliland oo uu dadkaygana degaankiisu yahay in la is turxaan-saaro mooyee waxaan ku jiraa dhulkayguna yahay dhinaca Somaliland oo dadkayguna ku jiraan, wixii talo ah waxaan doonayaa, Somaliland  iyo Dhulbahante oo aan mar wada jaan-qaadin inay talo mar isla wada helaan waanu doonaynaa, oo anigu waan doonayaa. Waxa la yidhi, ood kaa dheeri kuma dhaxan tiro, nin reer Galbeed ah baanu aniga iyo dadkayguba nahay.

S: Suldaan raggii siyaasiyiinta ahaa ee idinla soo xidhiidhay wax ma nooga sheegi kartaa?

J: Haa, waxay kala ahaayeen Cali Khaliif, C/naasir Axmed Qawdhan, Faarax Xuseene Geelle, Ina-Axmed Dawdan, Garaadka Garaadada maqan (Cali Buraale), waxay soo jeediyeen-na inaanu talada isugu nimaadno, hadhawna isu waafajin lahayn si aanay turxaan u yeelan, haddaynu maamulada jira faraha kala baxayno, haddaynu mid isugu luga duwanayno iyo haddaynu maamul gaar ah samaysanaynaba aynu talada isla sugno. Cali Khaliifna intaasuu ku raacay.

S: Suldaan maxaad u soo jeedinaysaa ummadda ku dhaqan Sool iyo Buuhoodle?

J: Talada aan u soo jeedinayaa waa, talada ha la isugu yimaado, si aan hadhow la isugu canaanan oo aan loo odhan dad baa boobay iyo anigaa ka maqnaa. Sidaa darteed, talada hala isugu yimaado, nabadgelyadana ha la adkeeyo iyo deggenaanshahaba.

“Waa In Ay Idiin Kala Suntanaadaan Qofka Aan Habeen Keliya Irbad Dun Idiin Gelin Iyo Halgankii Xaqa Ahaa”

Axmed Siilaanyo

Wefti Ururka KULMIYE Ah Oo Socdaal Ku Tegay Deegaamada Gabiley Iyo Togwajaale

 

Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha ururka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo oo shalay booqasho ku maray magaalooyinka Gebiley, Arabsiyo, Kala-baydh iyo Togwajaale, ayaa khudbado ujeediyay dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas oo ay fagaarayaal kala hadleen.

Booqashada weftiga Siilaanyo oo la xidhiidha ololaha doorashooyinka dalka, waxay inta badan weftigu kaga waramayeen arrimo ay ka mid yihiin; hadafka ururka KULMIYE, barnaamij siyaasadeedkiisa, iyo ballanqaadyo kala duwan oo ay sheegeen in ay ka fullin doonaan deegaamadaas, haddii ay doorashada ku guulaystaan.

Weftiga ururka KULMIYE oo intooda badani ahaayeen dhallinyaro aqoonyahano ah oo u dhashay deegaamadaas, waxay khudbadahoodu u badnaayeen kuwo salka ku haya ololaha doorashada dawladaha hoose iyo sidii la isugu diyaarin lahaa doorasho xor iyo xallaal ah oo dalka ka dhacda.

Axmed Siilaanyo oo khudbadihiisa intooda badan kaga hadlayay taariikhdii halgankii xornimada Somaliland iyo dhibaatooyinkii deegaamadaa ka soo gaadhay, ayaa tilmaamay kaalintii ay ka qaateen iyo sidii uu ku bilaabmay dagaalkii dib-u-xoraynta Somaliland oo naf iyo maal badan lagu waayay. Sidoo kale, wuxuu si weyn u majeertay dhaqaalaha deegaamadaas oo uu ku sheegay lafdhabarta dalka.

“Halkan aynu maanta joognaa (Gabiley), waa gobolada dalka ugu dadka badan, uguna dhaqaalaha badan, haddii ay beero tahay iyo haddii ay xoolo tahay-ba intaba,” ayuu yidhi Siilaanyo.

“Waa dhulkii ugu halganka iyo xoriyad-doonka badnaa, waa dhulkii cadaadiska weyni ku dhacay ee ceelasha lagu guri jirey dadkiisa, waana goobtii ay halganka SNM ka bilaabeen ciidamadii Duriya fadhiyay, waxaa ka sii horeeyay ciidamadii Afraad la odhan jiray oo uu ku bilaabmay halgankii dalka lagu xoreeyay,” ayuu ku daray Siilaanyo oo ku dheeraaday sharaxaadda Istiraatijiyada goobaha uu KULMIYE shalay booqday.

Axmed Siilaanyo, wuxuu intaa ku daray in aan Gabiley la siin mudnaantii ay lahayd ee horumarinta dhinac kasta oo ay tahay toona.

Guddoomiyaha KULMIYE oo khudbad taa la mid ah u jeediyay Shacbiga Togwajaale, ayaa si weyn u qiiro geliyay dad tiro badan oo isugu soo baxay meel bannaan oo ku taal duleedka dugsiga magaalada, wuxuuna is-barbardhig ku sameeyay wakhtigii colaadda ee dagaalkii SNM socday iyo xaaladda ay maanta ku sugan tahay, wuxuuna yidhi; “Togwajaale, waxaa iigu dambaysay sannadkii 1990-kii, iyada oo aan qof qudhi joogin oo intaanu soo galnay anaga oo ciidamo wadana aanu cadowgii ka qabsanay oo aan maalin kadib ka noqday, haddana maalintii dambe laygu yidhi waa la idinka saaray.”

“Bannaankaa aad arkaysaan ayay ragga iyo dabaabaduhu ku hirdami jireen oo maalin kasta ay iska heli jireen,” ayuu ku daray.

Mr. Siilaanyo oo ka hadlaya isbedelka muddadaa ku dhacay magaalada, wuxuu yidhi; “Waa nasiib-wanaag maantana waa taa camiran ee dhisantay, ganacsiguna ka socdo.”

Hase yeeshee Axmed Siilaanyo, wuxuu qiray in aan horumarka la gaadhay ahayn mid si fudud ku yimi, balse uu yahay mid dad u soo halgamay oo ay nafo badani u shahiideen, sidaa darteedna ay tahay in aan taariikhdooda la dafirin.

“Ummaddii waxay baaba’daa markay taariikhdeeda ilowdo. Ha idiin kala suntanaadeen qofka aan habeen irbad dun idiin-gelin iyo halgankii xaqa ahaa,” ayuu yidhi Siilaanyo oo muujiyay inuu rag badan ka mudan yahay marka ay timaado talada hogaanka dalku, sidaa darteedna wuxuu doorbidayaa in musharaxiinta lagu kala saaro waxqabadka iyo abaalka ay dalka ku leeyihiin.

Waxa kale oo meelaha uu dadka kala hadlay ka mid ah, magaalooyinka Arabsiyo iyo Kala-baydh, halkaas oo uu dadka kula taliyay in ay ilaashadaan Qaran-nimada iyo nabadgelyada.

Xubnihii kale ee kala qayb-qaatay khudbadaha wacyi-gelinta iyo taageero-doonka isugu jiray, waxaa ka mid ahaa; Daa’uud Khayre, Prof. C/casiis Maxamed Samaale, Garyaqaan Xasan Maxamed Xaruur, Maxamed Iid, Cabdi Amiin iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee ururka Daa’uud M. Geelle, kuwaas oo dhammaantood isku raacay in baahi weyn loo qabo sidii loo heli lahaa doorasho xor iyo xallaal ah oo dalka ka dhacda.

Daa’uud Kheyre oo ka tirsan Madaxda sare ee ururka, isla markaana Madax ka ah xafiis-goboleedka ururka ee Gabiley oo dadweynaha laabta u garaacay, ayaa ururkiisa ku tilmaamay mid xalaal ah oo leh hogaan waxqabadkiisa la wada tijaabiyay, kana soo bixi kara masuuliyada dalka, haddii buu yidhi talada loo dhiibto.

Mr. Khayre oo ka hadlaya magaca iyo sumadda uruka, wuxuu ku sheegay mid kulminaya SNM iyo Somaliland, isagoo intaa raaciyay in ay qaar wax-magarato ahi siyaabo kale u macneeyeen.

“Dadku waa Kulmiye, hadduu yahay Mujaahid wanaagsan, hadduu yahay Muwaadin iyo hadduu yahay waxgaradba, hooyada dhabta ahina waa KULMIYE,” ayuu yidhi.

Prof. C/casiis Maxamed Samaalse oo xubin ka ah guddida fullinta KULMIYE, ayaa ka hadlay muhiimada ay doorashadu u leedahay bulshada iyo baahiyaha loo qabo in dadku ogaado siday u dooran lahaayeen cidda wax u qaban karta danahoodana ka shaqaynaysa.

Inkasta oo Prof. C/casiis caddeeyay in aan ururkoodu cidna aanu siinayn kharash ay codka kaga iibsadaan, haddana wuxuu muujiyay ballanqaadyo horumarineed oo ay dadka deegaanadaa u qabanayaan, haddii buu yidhi ururka KULMIYE guulaysto.

Sidoo kale, Maxamed Iid oo isna ka hadlay fagaarayaashii shalay, ayaa dadweynaha ku baraarujiyay in ay iyaga ku xidhan tahay cidda ay u dooranayaan xubnaha Golayaasha Deegaanada oo iyagu ka soo horreeya doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweyne-nimada.

Waxaa kale oo xubnihii dadweynaha la hadlay ka mid ahaa, Garyaqaan Xasan Maxamed Cabdi Amiin iyo Daa’uud Maxamed Geelle oo dhammaantood ka mahad celiyay, sida loogu soo dhaweeyay goobihii ay booqdeen.

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Is-Waafajinta Doorashooyinka

Iyo Danaha Somaliland

 

Doorasho, tartan, iyo olole waa ereyo ku caan ah loolan ay xisbiyo, ururo iyo shaqsiyaad u baratamayaan hanashda codka dadka leh kala doorashadooda.

Laakiin dal walba wuxuu leeyahay duruufo u khaas ah oo ku lamaanaada arrimahaas aynu soo xusnay oo ay tahay in lagu xisaabtamo.

Arrintan waxaa tusaale loo soo qaadan karaa, haddii ay ururada ku tartamaya siyaasadda ee Somaliland ay hawlahooda doorashooyinku noqdaaan kuwa dib u soo xoojinaya beelnimada iyo qabiilka oo ay lid isku yihiin qaranimada meelna ayna wada geli karin, waa arrin u baahan in aad looga fiirsado oo keeni karta dhibaato hortaagnaata sida uu u adkaan lahaa nidaamka dawliga ah ee Somaliland.

Fahamka falanqaynta arrintani waxay tahay in aanu ururna adeegsan sida uu is leeyahay taageraad ku helaysaa sida qabiil, qabyaalad, gobol sheegasho, isticmaalka arrimahaas oo u eg mid muujinaysa in qofka sidaa loolanka ku gelayaa ama urur-siyaasadeedkaasi uu hadhowna haddii ay dhacdaba inuu guulaysto hab maamulkiisu wuxuu ku salaysnaan doonaa qaabkaa aynu xusnay.

Waa arrin muhiim ah in dadka reer Somaliland  aad u fahmaan ereyada aadka loogu adeegsado ee ah reerkeena cidi kagama jirto ama jago wanaagsan la innagama siin. Waxaa is-weydiin leh, haddii aanu ninka aad isku haybta tihiin aanu awoodayn inuu markuu mas’uuliyada qabto uu wax ka qabto danaha aasaasiga ah ee nolosha lagama maarmaanka u ah, laakiin muwaadin kale oo kursigaa fadhiyaa uu wax ka qabto danaha iyo horumarka dhinacyada nolosha ee ku khuseeya, marka ku jirista ka kuugu soo gabbanaya hayb magaceeda waxay noqonaysaa mid la fahmi karo oo ah hanaan ku shaqaysi oo la gashan jiray dadka si ay shaqsiyaad u helaan jagooyin ay marka dambe danahooda ugu adeegaan.

Dhinaca kale, in loo tartamo si xalaal ah oo dhinacyada tartamaya ee doorashooyinku noqdaan kuwa aad uga feejigan wax kasta oo waxyeeli kara danaha iyo maslaxadda guud ee dalka, gaar ahaan midnimada, is aaminsanaanta, wada noolaanshaha, sinnaanta, caddaaladda, kala dambaynta iyo sharciga.

Waa lagama maarmaan in ururada siyaasadda ee Somaliland  ee hadda uu loolankoodu soo laxaadsanayo ay maskaxda ku hayaan in haddii uu loolankoodu u muuqdo mid keena turxaamo, kuwaas oo keeni kara in Somaliland  ay hoos uga noqoto halka ay maanta taagantahay, in markaa ay marin habowday ujeeddooyinka tartanka doorashooyinka oo ah inuu abuurmo jewi ka horumarsan dhinac walba heerka ay maanta Somaliland  marayso.

Haa doorashooyin, laakiin daacadnimo, waddaninimo, xataa haddii ay la soo gudboonaanayso guul-darro ururka iyo musharaxaba, waana inuu ka maarmaa inaanu u adeegsan guusha loolan ee uu u tartamayo sifo aan ku lid ahayn midnimada, horumarka iyo nolol-wadaaga ummadda reer Somaliland.

Maxkamadda Gobolka Awdal Oo

21 Dhallinyaro Ah Xadhig Ku Xukuntay

 

Boorama (Haatuf):- Maxkamadda gobolka Awdal ayaa 21 dhallinyaro ah ku xukuntay min hal sanno oo xadhig ah.

Weriye Maxamed Cumar, ayaa sheegay in xukunka dhallinyaradaas oo da’doodu u dhaxayso 15-16-jir uu dhacay horraantii toddobaadkan  iyo in nooca xadhiga lagu xukumay dhallinyaradaas oo hore ugu xidhnaa xabsiga dhexe ee Boorama uu yahay xadhig dibad-joog ah.

Warkani wuxuu intaa ku daray in nooca xadhiga dibad-joogu uu yahay in dhallinyarada xukunkaasi ku dhacay haddii ay falal kale ku dhaqaaqaan in si toos ah xorriyadda looga qaadi doono oo xukunkooda ay ku dhammaysan doonaan xadhig.

Taliyaha saldhigga booliska Somaliland  ee Boorama Mr. Muuse Cabdullaahi Hanfi, ayaa isna u sheegay weriye Maxamed Cumar in dhallinyaradaas la xukumay ay ka kala tirsan yihiin kooxo lagu magacaabo Lazio iyo Fiorentina oo ay ku dhaqaaqeen fal ay dhagaxaan iyo budhadh ku weerareen guryaha ay deggen yihiin madaxda kooxohoodu.

Taliye M                uuse Cabdullaahi, wuxu intaa ku daray in labada kooxood ay ka mid yihiin 12 kooxood oo ka dhisan magaalada Boorama.

Dad Itoobiyaan Tahriib Ah Oo Cabasho Isla Hor Tubay Xafiiska Badhasaabka Burco

 

Burco (Haatuf): Dad Itoobiyaan ah oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa 120 qof ayaa shalay is-hortubay xafiiska Badhasaabka Burco. Waxay dadkaasi lacag aysheegeen in laga dhacay. Hase yeeshee Badhasaabka Burco, Cali Cabdi Hurre ayaa dadkaa qaabilay islamarkaana talaabo ka qaaday wixii ay dadkaasi ka ashkatoonayeen.

Weriye A. Ducaale oo Haatuf ka tirsan oo dadkaa Itoobiyaanka ah la kulmay aya ku soo waramay inay dadkaasi ahaayeen Itoobiyaan socoto ah oo doonaya inay u tahriibaan debadaha, laakiin waxay ku andacoodeen inlaga dhacaylacagtii noolka oo ay baabuurta ku raaci lahaayeen Burco, iyagoo oo sheegay inay u socdaan dhinaca Boosaaso si ay xeebaha Puntland uga raacaan doonyo ay ugu haajiraan dalalka carabta. Hase yeeshee waxay sheegeen inay isku dar-dareen lacagtii noolka ahayd ee ay baabuurta ugu raaci lahaayeen Boosaaso, ka dibna ay u dhiibeen haweenay iyaduna Itoobiyaana, laakiin fadhigeedu yahay magaalada Burco, kana baayac mushtaraysa dadka la tah-riibinayo ee Itoobiyaanka ah, haweenaydaas oo ay dadka xafiiska Badhasaabka is hortubay ku dacweeyeen inay lacagta noolka ahayd kala baxsatay, laakiin Badhasaabka ayaa amar ku bixiyay inla soo qabto haweenayda wax-yar ka dibna haweenaydaa la keenay xafiiska Badhasaabka markiiba waxa loo qaadhaamay lacag u dhaxaysa 150 Birr ilaa 400 Birr ayay yidhaahdeen dadka hooyooyinka ahi, waxayna intaa ku dareen “ilaa bil iyo dheeraad ayaanu meel ku xeraysnayn oo maalin walba nala lahaa berrito ayaad tagaysaan” hase yeeshee haweenayda ay dadkaasi ka soo ashkatoodeen oo uu la kulmay Weriyaha Haatuf ayaa sheegtay inay gacanta ku hayso lacagtii ay ka ururisay, islamarkaana ay hadda diyaar tahay tegistoodu.

“anigu lacag kama dhicin, waana loo hayaa lacagtoodii, baabuurtii qaadi lahayd-na waa u diyaar” ayay tidhi haweenaydaasi.

Sida ay tibaaxeen warar arrintaa la xidhiidhaa haweenayda Itoobiyaanka ahi waxa weeye wakiil magaalada Burco u fadhiya kooxo ka baayac-mushtareeya dadka tahriibanaya ee Itoobiyaanka ah, waxayna ku xidhan tahay oo la xoogsada dad u dhashay deegaanka Burco.

Israa’iil Oo Sii Wada Go’doominta Ay Ku Hayso Xarunta Carafaat

 

Qudus (W. Wararka): Maamulka Falastiin ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay maalintii shalay in ay qaraar degdega ah kasoo saaraan go’doominta ay Israa’iil ku hayso xaruntiisa kaasoo Israa’iil ka dalbaya inay si degdega ciidamadeeda ugala soo baxdo deeganada falastiiniyiinta iyo inay joojiyaan go’doominta ay ku hayso xarunta Carafaat.

La Taliyaha hogaamiyaha falastiin Nabiil Abu Radiina oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in aanay nabadi ka islaaxayn bariga dhexe ilaa Israa’iil lagu soo rogo cunaqabatayn iyo go’doomin. Waxaanu intaa ku daray inay Israa’iil dhagax u dhigtay dhammaan dedaalkii caalamiga ahaa ee wax lagaga qaban lahaa xiisada bariga dhexe. Isaga oo intaa ku daray in talaabadani ay Israa’iil qaaday uu weerar iyo meel ka dhac ku yahay dhammaan ummadda carbeed iyo sharciyada caalamiga ahba.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay qaramada midoobay ka dib wada tashiyo ay ka yeesheen xaaladda bariga dhexe Golaha amaanka ayaa shir degdega ah ka yeelanaya sidii ay uga wadatashadaan mawqifka ay ka qaadanayaan talaabada ay Israa’iil qaaday ee ay ku go’doomisay xarunta Yaasir  carafaat.

Dhinaca kalena Israa’iil ayaa ku gacan saydhay midowga Yurub oo u soo jeediyay in ay go’doominta ka qaado Yaasir Carafaat.

Kumanaan kum oo falastiiniyiin ah ayaa ka qayb qaatay mudaaharaad lagu taageerayo Carafaat oo shalay ka dhacay magaalada Qudus, waxaanay dadkaasi cambaaranayeen falka ay ku talaabsatay Israa’iil. Dawladda  Israa’iil oo ay ciidamadeeda go’doomiyeen xarunta Yaasir Carafaat ayaa dalbanaysa in ay isdhiibaan 20ka mid ah 250 falastiiniyiin ah oo Yaasir Carafaat kula go’doonsan xaruntiisa.

Kof Anan Oo Soo Jeediyay In Wax Laga Bedelo Qorshaha Qaramada Midoobay

 

New York (W. Wararka): Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Kofi Anan ayaa soo jeediyay qorshe cusub oo uu uga danleeyahay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa qaabdhismeedka qaramada midoobay iyo waxqabadkeedaba si ay ula jaanqaado sibadalada ka socda Caalamka iyo sidii ay doorkeeda uga qaadan lahayd hawlaha ku Aadan.

Talaabadan uu qaaday Kofi Anan oo ku soo beegantay 9 ka dib markii muddadii loo kordhiyay Kofi Anan oo sii hayn doono jagadaasi, shanta sanadood ee soo socota.

Kofi Anan oo qorshihiisan soo hordhigay Golaha amaanka ee Q. Midoobay dabayaaqada bisha Oktoobar waxa uu ku sheegay in ahmiyada la siiyo sidi wax looga qaban lahaa saboolnimada iyo la dagaalanka cudurada khatarta ku haya adduunka waxa kale oo uu soo jeedinayaa in la yareeyo shirarka ay yeeshaan hay’adaha raacsan Q. Midoobay kuwaasoo uu ka qiyaasay inay gaadheen labadii sanadood ee u dambeeyay 15484 oo shir. Waxa kale oo intaa ku daray in kulamada laga soo saaray 5879 warbixinood oo uu sheegay in la isugu geyn kari lahaa tiro yar.

Kofi Anan oo jagadan qabtay 1997kii waxa uu hore usoo jeediyay qorshe kan la mid ah balse dawladaha xubnaha ka ah qaramada midoobay ayaa ka gaabiyay ina bixiyaan miisaaniyada kaga soo hagaagtay qaramada midoobay iyaga oo haddana dalbanaya in la kordhiyo hay’adaha hoos yimaada qaramda midoobay.

Tirada shaqaalaha ka hawl gala qaramada midoobay iyo hay’addaha hoos yimaada ayaa lagu qiyaasay ilaa 52100 shaqaale ah kuwaasoo 4500 oo ka mid ahi ayka shaqeeyaan xarunta qaramada midoobay ee New York kharashka ku baxa socodsiinta hawlaheedana waxa uu gaadhayaa 1.3 Milyan oo Doollar, marka laga reebo hawlaha nabad ilaalinta oo leh miisaaniyad gaar u ah

Maxaa Sababay Cabashada  Ardayda Dugsiga Sare Ee 26 June

Anaga oo ah ardayda dugsiga sare ee 26juun waxaanu ka cabnaynaa waxna ka sheeganaynaa maa mulka wasaarada waxa bara shada. Waxaanu kaga cabanaynaa iyo qalafsanaanata ay kula kacaan ardayda iyo macalimiinta dugsiyada taas oo ay kudareen maantana maamulayaasha dugsiyada.

Hadaba waa naga  su,aale wasaarada wax barashadu ma wax bay toosisaa mise wax bay buburisaa anagoo arday ah higsigayaguna ahaa cilmi dheeraad ah iyo mustaqbal fiican waxaanu maanta sugnaana ahayd gacan-qabasho iyo gar-gaar ay noo fidiso wasaaraddu ma xaqbaa in boqonta nala jaraa?

Goormay dhaqan iyo il dhaqaale noqotay in loo soo doonto baad macallimiinta gunada yar ee ay ardaydu bixiso, wasaarad mushahar bixisa ayaanu filaynay oo aanu maanka ku haynay baaba’an iyo baadhashadan la isku bahaystay wasaaradda yaa baray budhcaddan yaa keenay?

Haddaba taariikhdu maalintay ahayd 22/09/002, gudoomiyaha waxbarashada ee gobolku wuxuu kalahaad ku yimid dugsigayaga 26 Juun, waxaanu nagula kacay arin aad u fool xun oon ka suurto galin nin wayn oo masuul ah, waxaanu runtii jecel nayahay in aanu waxyar idiinka soo gudbino maxaayeelay fool xumo af iyo adinba leh oo aanu u kala miidaan dayin wiilal iyo gabdhaba macalin iyo maamulba guudoomiyuhu wuxuu gacan  axmaqnimo iyo cadownimo ku dheehan tahay u qaaday ardayda iyo macalimiinta hortooda inan (gabadh) taas oo ilaa hada aan u kala cadaan ardayda iyo macalimiintaba sabababta uu gudoomiyuhu u gacan dhaafay Maamulka.

Subaxaasi maca limiinta waxay u ahayd aflagaado cay qayaxan ah iyo kadin ka xidhasho schoolka loo diiday maclimiintu inay soo galaan subaxaasi gudoomiyuhu wuxuu dugsiga u dajiyay dastuur subaxaas uun lagu waabariistay taasina waxay keentay dawakhaad jaho wareer dhex maray ardaydii iyo gudoomiyihii waxaana halkaas ka dhalatay in arday badan laganaaxo laga na eryo mudo 15 cisho ah schoolka, waxa lagama maar maan noqotay in maamulah dugsigu uu arinta dhex galo oo ardayda digniin la siiyo madaama shuruuc cusub gudoomiyuhu soo kordhiyay ardaydana lagu wacyi galiyo in wakhtigii badh la soo qadimo subixii, maantana lacafiyo ardayda arintaa waxa ka cadhooday gudoomiyaha balana ku qaaday subaxaas in 300 oo arday dugsiga laga caydhiyo hadii kale talaabo uu ka qaadi doono maamulka dusiga waxa kale oo ay cadho galisay gacan qaadkii gudoomiyu inanta kula kacay maamulii dugsiga oo ka dhiidhiyay fool xumada gacanta leh ee aan sababta alahayn .

Arimahaas oo dhan waxa ka dhashay in gudoomiyuhu awood muujiyo dugsigana laga caydhiyo maamulah (cali cabdi jiciir) subaxaasi waxay ku waa bariisteen kun iyo dhawrka boqol oo ardayda juun ah. Ardaydu waxay su,aalo iyo jawaabo isku waydaar sanayeen sababt maamulaha loo badalay,iyo aayaha schoolka. Maamulahaas oo ah macalinkii ugu horeeyay ee Somaliland dugsi sare ka aasaasay taariikh wax barashada Somaliland baal dahaba kaga jira, taas oo aynaan diyaar u ahayn inaynu hakan kaga hadalno tariikhdiisa wax qabad ee wax barsho kolkaanu damacnay in maalmulahayaga naloo soo celiyo waxaanu cabsho u gubinay wasiirka wasaarda waxbarshada runtii waxaanu ka filaynay iyo waxaanu kala kulanay waa kaaf iyo kala dheeri, qofkasta oo caqli lihi hadii uu maqlo wasiir ama darajo lamid ah waxa maskaxdiisa ku soo dhacaysa qofka mansabkaa hayaa inuu yahay mid awood maskaxeed iyo mid cilmiyeedba ku kasbaday mansabkaas laakiin taasi way beenowday.

Ardayda dugsiga sare 26juun

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Doorasho Waa Mashquul

Haddii aan ujeedada mawduucaa, aan midida u qaato aan idiin qalo, waxa laga yaabaa marka aad aragtaan magaca doorasho waa mashquul, in aad yara boodaan oo aad tidhaahdaan kani ma waxa uu doonayaa maamulkii milatariga, laakiin arrintu sidaas maaha, soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “haddal nin si u yidhi nina si  u qaatay” doorasho inay mashquul tahay hadda ayaynu u joognaa, ku darsoo akhristow muddo saddex sanadooda ayaa albaabkeeda la soo waday laba sanoo raacay dawladdii marxuumkii iyo sanadkii la kordhiyay oo gabagabo ku dhaw, walina fari kama qodna’e fanoole. Intaas waa quraacdiyo, qadadiina waa tani ee hoo hadaba su’aal baan isleeyahay jawaabteeda waa lagugu leeyahay, haddii ay doorasho mashquul tahay maamul milatarina kii yahay,adduunkuna labadaa mada’a u badan yahay ka mid baynu nahaye maxaad adigu haysaa?

Jawaabtii waa tane akhristow bal ila arag, soomaalidu waxay ku maahmaahda “haddal nin wayni waa guud mar” inkastoo aanan u magac bixinayn, waddo saddexaad oo la maraa way banaan tahay labo iyo afartan sanadood oo ah tani iyo wakhtigi gumaystihii Igiriis inaga tageen ayaa waxaynu soo beeranaynay laba geed oo magacooda la kala yidhaa Doorasho iyo Milatari, labadaa geed midhahoodalakala yidhaa way inaga ba’ayeen,Haddaba inaynu geed saddexaad beerano ayay aniga ila tahay, waxaan aaminsanahay in geedkaa saddexaad inoo bixi doono, oo intii cimri gaadhsiiyaa waddo furan tahay, haddii Ilaahay yidhaahdo

Cali Maxamed Goole, Hargeysa

Muwaadiniinta Qaarkood Uma Suuroobayso Inay Codkooda Bixiyaan

Carqaladda ugu weyn ee ka hor’imanaysa doorashada ugu horeysa ee golayaasha deegaanka waxay la xidhiidhaa dadka wadanka u dhashay oo badankooda aanay u suuroobeyn inay akhriyi karaan magacyada musharixiinta iyo xisbiyadda ay ka tirsan yihiin ama ay fahmi karaan astaanta xisbiga ay u codaynayaan ee ku muujisan xaashida, codeynta. Sidoo kale, dadka cadaynaya iyo saxeexiisa, iyo waliba taariikhda maalinta codbixinta ku qoran qaybta ama khaanadda hoose ee xaashida codaynta.

Laba hab ayaa Caalamka laga yaqaan waxa lagaga dhaqmaa dalalka Yurubta galbeed. Qofkii codkiisa bixinaya marka goobta codaynta lagu diiwaan galiyo isla markiiba waxa la siinayaa xaashida codaynta, (Ballot Paper) iyo galka warqadda (Envelope), xaashida codaynta waxa ku yaal magacyada musharaxiinta ku tartamaysa doorashada iyo mid waliba xisbiga uu ka socdo. Codbixiyuhu intuu kaligii galo makhsinka uu codkiisa uu yaal sanduuqu ayuu musharaxa uu codkiisa siinayo hoostiisa ku calaamadaynayaa isku talaab, isla markaa xaashida codaynta ku muujinayaa magaciisa, saxeexiisa, iyo waliba taariikhda maalintaas. Habka labaad ee codaynta waxa lagu isticmaalaa dalalka adduunka saddexad. Habkan codbixiyuhu wuxuu kala dooranayaa xisbiyo astaamahoodu ay sawiran yihiin xaashida codaynta ayaa markiiba la siinayaa xaashida codbixinta oo ay ku yaalaan astaamaha asxaabtu. Waxa codbixiyaha laga doonayaa inuu iskutalaab ku sameeyo xisbiga uu taageersan yahay ka hor intaanu xaashida ku ridin sanduuqa.

Sidaa awgeed, waxa cadaan ah inay adkaanayso in doorashadu sida la doonayo ay u dhacdo, ama waxa soo baxaya natiijo ay 80% iyo in ka badan ay xaashiyaha codayntu ay xumaadaan ama si khaldan wax looga qoro.

Hase yeeshee, waxa laga yaabaa inay doorashada Golaha deegaanku si fiican ay u fusho haddii goobaha codbixinta la keeno sanaadiiq dhawr ah oo leh midabo kala duwan. Dhinaca kale, Xisbi walba wuxuu yeelanayaa sanduuq midab gaar ah leh oo codbixiyuhu uu ku rido xaashida codaynta.

Xaashida codaynta ee habkan saddexaad waxa ku yaal ama ku muujisan oo kaliya erayooyinka “doorashada Golaha deegaanka” iyo “xaashida codaynta”. Sidaa awgeed, Xisbi kasta wuxuu taageerayaashiisa ka dhaadhicinayaa midabka uu leeyahay sanduuqa u yaal goobaha codbixinta. Hase yeeshee, musharaxiinta waxa ku waajib ah inay mar aan qiimaynta guddida doorashooyinka Qaranka.

Carqalada ka hor imanaysa waxa laga gudbi karaa xisbiga oo yeeshay sanduuq midab leh oo loogu ururiyo xaashiyaha codbixinta.

C/Raxmaan Siciid Maxamed, Hargeysa

Ha Laga Bedelo Magaca

Wasaaradda Dhalinyarada Isboortiga

Ma ihi qof siyaasi ah oo doonaya inuu halkan ku soo gudbiyo aragti Siyaasadeed oo uu aaminsanyahay, mana ahi wadaad wacdi iyo waano soo jeedinaya, mana ihi abwaan soo gudbinaya gabayo iyo hees lagu raaxaysto, balse waxaan ahay qof markii ugu horeysay isku dayay inuu saxaafada u soo bandhigo dhaliil u muuqatay oo aan ka aamusi kari waayay. Haddaba waxa jirta in wasaarad kasta ama hay’ad kasta oo ka mid ah kuwa dawliga ah loo aasaasay waajibaad iyo shaqo gaar ah oo qaranku u igmaday fulinteeda, waxa nasiib darro ah in Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu ay garan wayday hadafkii laga lahaa abuuristeeda, taasi oo ahayd kobcinta iyo kor u qaadista heerka ciyaareed ee dhammaan qaybaha kala duwan ee ciyaaraha sida

Kubbadda cagta

Kubbadda Kolayga

Kubbadda Gacanta

Kubbadda Miiska

Kubbadda Teniska Dhaadheer

Ciyaaraha fudud sida,orodada oo leh noocyo badan oo kala duwan, bootada, hoose, bootada sare, dabaasha oo iyana noocyo fara badan leh iwm.

Haddaba, haddii aan ku soo dhawaado ujeedada maqaalkayga waxaan kor ku soo cadeeyay noocyada kala duwan ee ciyaaraha una xilsaaran tahay wasaaraddu, waxaase muuqata in wasaaraddu shaqadeedii ku soo koobtay ama u aragtay Kubbadda Cagta oo kaliya taasna waxa u markhaatiya dhawaan war ay soo saartay WDH iyo Isboortigu kaas oo odhanaya waxaanu qabanaynaa ciyaarihii gobolada balse markii aan u kuur galay waxaan ogaaday in ciyaaraha gobolada ee la sheegayo in la qabanaayo inay yihiin kubbadda cagta oo kaliya iyadoo dhammaan laga tegay noocyaddii ciyaaraha ee kale, oo dhan marka laga reebo orodada oo mar dambe lagu qasbay in lagu darro, mar horena waxaa dhacday sidaas oo kale inta la yidhi waxa la qabanaya ciyaarihii gobolada oo tijaabo ah in waxa la qabtay ay ahayd Kubbadda cagta oo kaliya, iyadoo lacagtana ay bixinaysay hay’addi. Waxaan lagu marmasiiyoon karin dhaqaale la’aan sababtay in la qaban waayo noocyadda ciyaareed ee kale laba sababood dartood.

1-       Dhawaan dawladdu waxay ugu deeqday Wasaaradda lacag dhan oo aan anigu qabo haddii saani loo maamulo in lagu qaban karo dhammaan noocyadda kala duwan ee ciyaareed.

2-       In ciyaaraha laftooda ay ka soo baxayso lacag lagu maamuli karo ciyaarahaas.

Xataa wakhtiyada munaasibadaha ee wasaaraddu ay dhigto koobab lagu xusayo munaasibado waxa la qabtaa Kubbadda cagta oo kaliya

Sidaa darteed waxaa cadaan ah in wasaaradaasi ay u fahansantahay xilkeeda qaran ee loo aasaasay kubbada cagta oo kaliya ilowdayna noocyada tirada badan ee ciyaaraha kale duwan.

Haddaba waxaan talo ahaan ku soo jeedinayaa in Wasaaradda lagu beddelo magaceeda hore ee ahaa W/Dh/Ciyaaraha loona bixiyo Wasaaradda Kubbadda Cagta, maadaama aanay waxba ugu filnayn ciyaaraha intoodii tirada badnayd. Waxaan ka cudur-daaranyaa in aanay u fahmin dhalinyarada ciyaarta Kubbadda cagtu necbaasho aan u qabo kubbadda cagta balse ay iila fahmaan dhaliil jirta oo aan sheegay.

Xuseen Ciise Geedi (Xuseen Habri)

 

Maxaa Sababay Hoos U Dhaca Natiijooyinka Imtixaanaadka Ardayda Dugsiyada Sare

Waxa sanad dugsiyeedkii 2001-2002 ka qalin jabiyay dugsiyadii sare lodkii saddexaad iyadoo ay Waxbarashada Somaliland ay samaysay dadaal aad u badan si ay u hirgaliso si tayo sare ah.

Waxaase waayahan dambe aad loo faaleeyay sababta hoos u dhaca natiijooyinkii imtixaanada sanadkii u dambeeyay, taasoo noqotay wax soo noqonaya sanad kasta, iyadoo faalooyinkaasi ay dusha u xambaariyeen sababta arrintaasi dedaal la’aanta ardayda iyo dabasocod la’aan waalidka. Waxaanse u arkaa in sababta u wayn ay tahay Waxbarashada oo aan wax ku talo gal ah usamayn ardayda sanad kasta soo baxaysa, tusaale waxa sanadkan soo baxay ardaygii ugu dhibcaha sareeyay saddexdii sano  ee u dambeeyay, amaanta masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada mooyaane aan wax barnaamij ah oo dhiiri galin kara loo samayn.

Markaa waxaan ku tala bixin lahaa in sanad kasta ardayda horyaalka ah loo raadiyo deeqo waxbarasho loogana raadiyo wadamada jaarka kuwa kale ee aynu saaxiibka nahay sida South Africa, taasoo keeni karta tartan, xamaasad iyo dedaal dheeraad ah oo ay ardayda sanadka u dambeeya ay muujiyaan, iyadoo aan la dhayalsan lodadka faraha badan ee qalin jabinaya sanadaha soo socda taasoo keeni karta mustaqbalka dhibaatooyin badan xaga nabad gelyada iyo meelaha kaleba ah.

C/Casiis Khaliif Hargeysa

DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Cumar Daahir Cumar

Dhiraynta Magaalooyinka Iyo

Tuulooyinka Waa Horumarinta Deegaanka

Dhirta Daaqu waa astaan nololeed meelaha ay ka baxaan, waxtarkooduna ma aha mid la soo koobi karo.

Ilaalinta in aan la jarin dhirta ku taala meelaha laga dhisayo guryaha wixii lagama maarmaan ah mooyee waa arrin waxtar u leh dhireynta, waayo dhirta dabiiciyan uga baxday dhulka guriga laga dhisayo waa mid adkaysi iyo la qabsi ay ka baxday oo kari karta iyadoon cidina dhaqaaleyn, dhirtaas oo loo jaro iyadoon meeshaasi ku beegnayn dhismaha waa arin xad gudub ku ah ilaalinta deegaanka, inta badan dhirta dabiiciga ah ee ka baxda deegaanka waxay u baahan tahay inta badan inaad biyaha u joojiso kuwa roobka oo aad u samayso meel ay u maraan.

Badbaadinta dhirta dabiiciga ah ee ka baxda, goobaha la dhisayo iyo weliba in qorshe wel oo dhisme laga dhisayo magaalooyinka in dhirayni ay jirtaa waxa lagama maarmaan u tahay horumarinta deegaanka, gaar ahaan ilaalinta iyo kor u qaadista tirada dhirta ee deegaankaas,

Geedka miri-mirida oo nooc ka mid ah loo yaqaan (neem) waxaa markii la dersay lagu sheegay in meesha uuka baxo ay tahay, meel nadiifa oo ay ka fogaadaan xasharaadku.

Geedka miri-mirida noociisa loo yaqaan (neem) waxa u leeyahay markuu baxo geed caday marka laga goosto dawo ka ah ilkaha xanuunka, haddii si joogto ah loogu cadeydana leh nadaafad aad u wanaagsan iyo ka hortaga xanuunadda ilkaha iyo gowsaha ku dhaca.

Hadhsiga xiliyada kulul iyo hawada ay soo jiidato dhirtu halka ay ka baxdo ayaa iyana ah arrin tusaale u ah faa’iidada dhirta, iyo in aan la jirin dhirta si macno la’aan ah.

Jarista dhirta waxaa ka fiican ka faa’iidaysigiisa geedkii oo kugu yaalla guriga, beerta, ama meel kale oo tirsan deegaanka.

Dhirta waaweyn ee dheemaalka leh iskoodna u baxda ayaa leh faa’iido xiliyadda uu daaqu yaraado waxaa loo lulaa xoolaha oo leh wax tar kale duwan.

WAADIGA CIYAARAHA

Kooxaha Deportivo Iyo Milan Oo Fooda Caawa Is Daraya Ciyaaraha Chapions League

 

Xidigaha Kooxda Spainishka ah ee la yidhaa Deportivo la Coruna ayaa tagaysa ciyaarta ay caawa la yeelanayso Kooxda Ac-Milan iyadoo aad isugu kalsoon ka dib markii ay ka badisay Kooxda Bayern Munich oo hore dhulka loo dhigin tartankan horyaalada wadamada Yurub, dhinaca Kooxda Talyaaniga ee Ac-Milan oo aan iyada xili ciyaareedkan dhinaceeda dhulka la dhigin waxay Kooxda Deportivo La Coruna ku wada jiraan guruubka (G) ee tartanka horyaalada.

Ac-Milan waxay ciyaartoodu ugu horeysay ee ay ku bilowday tartanka kaga adkaatay Kooxda Lens 2-1 gool.

Difaaca Kooxda Ac-Milan oo ah Allesendro Nesta ayaa xagaagii ku soo biiray Kooxda Ac-Milan ayaa tilmaamay in ay iska ilaalin doonaan dhinacooda difaaca weerarka Deportivo ee Roy Makay iyo Diego Tristan oo uu sheegay inuu yahay ciyaartoy khibrad leh.

Mr. Nesta wuxuu yidhi oo uu intaa ku daray isagoo ka hadlaya ciyaarta ay caawa wada yeelanayaan Deportivo, “muhiimada waxa weeyi waxaanu sii wadi doonaa oo aanu ciyaari doonaa sidii aanu aqoonta u lahayn ciyaaraha” ciyaartan waxaa iyana garabsiinaysa Kooxda Milan ka maqnaashaha uu ciyaartan ka maqanaan doono Kooxda Deportivo ciyaartoyga Juan Carlos Valeron oo dhaawac gaadhay awgii  ku maqan ahna nin ciyaartoy aad ugu wanaagsan isku xidhka ciyaarta ee Kooxda Deportivo.

Tartanka horyaalada waxaa iyaguna wada ciyaari doona Kooxda Maccabi Haifi ee Israa’iil iyo Kooxda Olypiakos ee dalka Giriiga oo ku wada ciyaari doona jasiirada Cyprus (Qubrus).

Tartankan waxaa iyaguna wada ciyaaraya Dynamo Kiev iyo Kooxda Juventus, iyadoo Kooxda Kiev aad uga werwersan ciyaarta iyaga iyo Juventus dhex mari doonta ciyaartoyga reer Juventus ee Allesandaro Delpiero oo lix gool u saxeexay kooxdiisa afartii ciyaarood ee ugu horeeyay.

BBC-da Oo Dalbatay Qandaraaska Xayaysiinta Ee Koobka Horyaaladda Yurub (Champions)

 

BBC-da ayaa beenisay in aanay joojinayn haddii ay hesho xayaysiinta tartanka horyaalada (champions) ee wadamada yurub.

Wakaalada BBC-du waxay ka qayb qaadatay tartan qandaraas oo lagu bixinayo sii deynta iyo xayaysiinta tartankaas ee sanadka 2003/2004.

Culays ayaa ka yimid sidii ay BBC-du u qaadan lahayd qandaraaskaa ay dalbatay marka la eego xeerka (charter) ay ku dhisantahay BBc-du ayaa aad ugu kalsoontahay inay wada shaqayn karaan masuuliyiinta tartankaas horyaalada ee Yurub (champions), go’aanka arrintan ayaa laga sugayaa dabayaaqada todobaadkan in uu go’aan ka gaadho (UEFA) (European Football’s Govering Body) oo ah xidhiidhka u qaabilsan Yurub maamulka tartanka horyaalada Yurub oo ay kii sanadkii hore 2001 qaadatay Kooxda Real Madrid ee dalka Spian. BBC-du haweenay af-hayeen u ah wakaalada BBC-da ayaa sheegtay in ay wakaaladoodu hore u cadaysay sida ay u danaynaso shaacinta tartanka horyaalada (champion), waxayse haweenaydaasi intaas ku dartay laakiin inantaas loo fahmin in ay BBC-du qandaraaskaas ku doonayso qiimo kasta iyo saamayn kasta oo uu ku leeyahay sii deyntiisu shuruucda warbaahineed ay ku hawlgalasho BBC-du.

Kabtanka Kooxda Manchester United Roy Keane Oo Talaabo Anshax Ciyaareed Laga Qaadayo

 

Kabtanka Kooxda Manchester United Roy Keana ayaa la dhagaysan doonaa xukun ku saabsan dhinaca asluubta ciyaaraha xidhiidhka kubbadda cagta ee Ingiriisku 15ka bisha oktoobar ee fooda inagu soo haysa.

Roy Keana waxa lagu qaaday in uu galay laba gef oo ah ixtiraam darro 4tii bishan September 2002,.

Kabtanka Kooxda Manchester United Mr Roy Keana dhawaan ayuuka soo bogsaday dhaawac marka bil kale ayuu haddana u muuqdaa inuu ka maqnaanayo garoomada ciyaaraha Kooxda Manchester United waxay maanta la ciyaareysaa Kooxda Bayern Leverkusen oo ay ku wada jiraan Guruubka (F) ee tartanka horyaalada champions.

Bayern leverkusen waxay ka badisay Manchester United semi-finalkii tartanka ee sanadkii hore.

Kooxda jarmalka ah ee Leverkusen waxaa ka tagay laba ciyaartoy oo xidigo ah Micheal Ballacka iyo Ze Roberto oo u wareegay dhinaca isla Kooxda Jarmalka ah ee Bayern Munich, tababaraha Kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa wuxuu doorkan ku rajo weynyahay in kooxdiisu ay gaadho ciyaaraha Finalka.