Haatuf, Cadadki 168, Sep.27, 2002

“ Waxaanu Aragnay Waxyeelada Dhaqaale Ee Ay Xayiraadda Xooluhu U Geysatay Somaliland”

Waraysi Madaxa Weftiga Maraykanka Ee Yimid Somaliland Mr. Leonard M. Rogers

Hargeysa (Haatuf): wefti ka socday Hay’adda USAID ee caawimada caalamiga ah ee Maraykanka oo booqasho ku yimid Somaliland horena ula kulmay M/weynaha Somaliland Mr. Daahir Rayaale Kaahin, wasiirada qorshaynta, Waxbarashada, arrimaha dibadda iyo Mayorka Hargeysa, weftigan oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan hay’adaha UNICEF iyo Care waxa hogaaminayay Mr. Leonard M. Rogers oo ah ku xigeenka USAID ee hawlaha samafalka oo fadhigiisuna yahay magaalada Washington Leonard M. Rogers waxaa shalay la kulmay Gudoomiyaha Haatuf Media Network Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ka waraystay Mr. Rogers socdaalkooda iyo waxyaabihii ay kala Kulmeen Somaliland.

Mr Rogers wuxuu Waraysigaas shalay ku sheegay in ujeedada socdaalkoodu yahay sahan halka ay mucaawimadda USAID ee waqtiga soo socda ay u sahaminayaan in uu arko saraakiisha, maamulka Somaliland iyo mashaariicda ka socota Somaliland ee ay hay’adda USAID maalgaliso oo ay la kulmaan hawlwadeenada mashaariicda ee hay’addu fulinayso.

Mr. Rogers wuxuu intaa ku daray in ay fursad u heleen oo ay la kulmeen Wasiirka Waxbarashada ee Somaliland isla maalintii salaasadii ee ay yimaadeen Somaliland iyo in kulanka ay la yeesheen M/weynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ay isla falanqeeyeen qorshaha waxqabad ee dawladda iyo sida ay muhiimada u kala siisay Xukuumadda Somaliland.

Mr Rogers wuxuu sheegay in kulanadii ay weftigiisu la yeesheen Madaxda Somaliland ay ahaayeen qaar midho dhal ah iyo in dawladda Somaliland ay uga warbixisay si daacad ah sida ay u kala muhiimsan yihiin qodobada waxqabad ee u qorshaysani yahay Xukuumadda wax ka qabato iyo siday muhiimadda u kala siinayso.

“waxaan booqanay Boorama oo aanu kula kulanay Duqa magaalada Boorama, markii aanu ku sii soconay Boorama waxaanu ku sii hakanay Gebilay, Boorama waxaa kale oo aanu kula kulanay Badhasaabka Gobolkaas, waxaanu aragnay mashaariicda Biyaha ee ka socda halkaa, mashruuca dib u hagaajinta suuqa, iyo mashruuca amaahaha yar yar” sidaas waxaa yidhi Mr. Rogers oo ka Waramayay safarkii uu weftigiisu ku tagay Boorama iyo Gebilay.

Madaxa weftiga USAID ee booqashada ku yimid Somaliland Mr. Rogers wuxuu Waraysigaas ku sheegay in uu booqday intuu booqashada ku marayay Somaliland iskuul ay aad ugu badan tahay ardaydu fasaladiisa oo ay wax ku baranayaan tiro inamo iyo hablo ah oo ka badan intii uu fasalku qaadi karayay, iyo inay ardaydaas u baahnaayeen fasalo kale iyo qalab waxbarasho.

Mr. Rogers waxaa kale oo uu sheegay in ugu bogaadinayo dawladda iyo dadweynaha sida ay ugu dadaaleen degenaashaha, nabadgelyada iyo inuu arkay waxyeelada ay u geysteen Somaliland dhinaca dhaqaalaha Somaliland joojintii xoolaha nool ee ka dhoofi jiray Somaliland.

Weftiga USAID intii ay joogeen Somaliland waxa kale oo ay booqdeen mashaariic ay ka wado Somaliland hay’adda IRC (International Rescue Committee) oo ka mid ahaayeen amaahaha yar yar iyo xirfad barasho.

Warar Is-Khilaafsan Oo Ay Dawladda Djabuuti Kaga Hadashay Ciidamada Maraykanka Ee Dalkeeda Joogga

Djibouti (Al-Zaman) – War kasoo baxay madaxtooyada Djibouti ayaa sheegay in ujeedada ciidamada ajnebiga ah ee ku sugan dalkaasi ay ku kooban tahay ilaalinta Somaliya, si aanu ururka Al-qaacida u adeegsan xeebaha Somaliya saldhigyo uu ka fuliyo hawlgallo cusub, ama uu khatar geliyo ammaanka Badda Cas. Balse aanay Djibouti oggolaanayn in loo isticmaalo saldhig lagaga duulo dalalka Yemen iyo Suudaan, taas oo uu warku sheegay inay ka soo horjeeda heshiiska u dhaxeeya Djibouti iyo Maraykanka ee ku saabsan la dagaalanka argagixisada.

Warkan oo uu qoray wargeyska Al-Zaman ee luqadda Carabiga kaga soo baxa London, waxa uu ku soo beegmay iyada oo ay boqolaal ka tirsan ciidamada Maraykanka loo daad-gureeyay Djibouti, kuwaas oo la sheegay in ay raad-gurayaan xubno ka tirsan Al-qaacida oo ka soo baxsaday Af-qaanistaan, ayna galeen goobo ka tirsan dalka Yemen. Markab kuwa dagaalka ee Maraykanka ah ayaana haatan ku sugan dekedda Djibouti.

Ciidamo 800 gaadhaya oo Maraykan ah ayaa iyaguna jooga Djibouti, oo ay ka samaysteen saldhigyo kadib markii ay labada dal kala saxeexdeen heshiis ku saabsan la dagaalanka argagixisada shan bilood kahor.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin Maraykan ah waxay sheegeen in ciidamo ku filan fulinta hawlgalladii loo baahdaa ay haatan ku sugan yihiin Djibouti, ayna ahmiyad u siiyeen halkaas istaraatiijiyad ahaan.

Hase yeeshee, wasiirka warfaafinta ee Djibouti, Rifqi C/qaadir Baamakrama, ayaa beeniyay in ciidamada ku sugan Djibouti loo adeegsanayo hawlgal lagu qaado dalalka ay jaarka yihiin.

Wasiirka oo uu waraystay wargeyska (Sharqul-Awsad), oo isna ka soo baxa London, ayaa sheegay in aanay dawladdiisu oggolaanayn in ciidamada Marayakanka ee Djibouti jooga ay weeraro ku qaadaan dal kale oo jaarka ah, ama Carbeed. Isaga oo intaa ku daray, haddii ay taasi dhacdo maalin keliya ciidamadaasi u oggolaan mayno inay dalkayaga sii joogaan.

Joogitaanka ciidamada waxa uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay qorshaha caalamiga ah ee lagula dagaalamayo argagixisada.

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Sharci Adag Halaga Soo

Saaro Bixinta Dhulka Danta Guud

Dhulka danta guud ee ku yaalla meelo badan oo ka tirsan magaalooyinka waaweyni, tuulooyinka iyo miyigaba, waa meelo loogu talo-galay in laga hirgeliyo barnaamijyada khuseeya danaha guud oo ah kuwo aan loogu danaynayn qof qudha faa’iidadii iyo dantii.

Xilliyadan dambe, waxa bilaabantay in mas’uulka loo xil-saaro maamulka hay’adaha dawladdu ay qaarkood iskood u qaataan go’aano ay ku bixinayaan dhul ama hanti dhisme oo ahayd danta guud.

Mas’uuliyiinta maamul ee ku dhaqaaqa hawshaas waxaa inta badan la sheegaa in ay sababta ay u bixinayaan dhulka danta guud ay tahay faro dufan leh oo ka soo gaadha cidda sida gaarka ah u doonaysa in ay u qaydato danta guud.

Dhul u bannaan iskuulo, dhakhtar, wasaarad, xarun tijaabo beereed, seero daaqsin ahaa, bakhaaro dawladeed iwm.

Sida ay shuruucda dhul-bixintu ahayd, iska daa dhulka danta guud oo dib loo siiyo dad wata dan-gaar ah ee waxaa jirtay in dhulka danta gaara loo bixiyaa uu ahaa sharci ahaan ku meel-gaadh laga qaadi karo qofka haddii looga baahdo dan guud, arrintaas oo muujinaysa in danta guud ay tahay tan leh muhiimadda koowaad oo muujinaysa in ayna meesha sooba geli karin dhul iyo dhisme dan guud oo loo hibeeyo qof gaar ah.

Arrintani waxay u muuqataa mid u baahan in loo helo xakamayn ka timaada dhinaca shuruucda oo qaban karta heer kasta oo mas’uul hayo jago madaxeed oo ay soo saaraan golayaasha sharci-dejinta oo weliba ah xeer adag oo ilaa xabsi daa’in noqon kara, sababtoo ah tallaabooyinka lagu bixiyo dhulka danta guud waa arrin ku lid ah danaha ummadda. Qofka ku tallaabsanaya arrin ku lid ah danaha ummadduna waa shaqsi aan muraad ka lahayn jiritaanka ummadda, kol haddii uu muujiyo inaanu ku fikirayn wanaaga ummaddiisana waxaa lagaga badbaadyaa in lagu faquuqo oo uu ka xidhnaado ummadda.

Waa hubaal xukun lagu xukumay mas’uul bixiyay dan guud oo la maqlaa inuu sababi lahaa in mas’uuliyiin badani ay arrinta ka waantoobi lahaayeen, taasi oo keeni lahayd in uu badbaado dhulka danta guud ee ku yaalla meelo badan iyo inaanu dadka iyagu wata danaha gaarka ah ee sababa ama sahansada sidii ay u qaadan lahaayeen  dhul iyo hanti guud, oo ummaddu wada leedahay si ay u helaan faa’iido iyaga u gaar ah inay ka waantoobi lahaayeen marka lawada xukumo kii qaatay iyo kii bixiyayba.

Qoraalkan ujeedadiisu waxay ku biyo shubanaysaa in ay khatar tahay haddii ay dhaqan noqoto in danaha gaarka ah ay gacanta sare yeeshaan, arrintaas oo liciifinaysa jiritaanka dawladnimo iyo muhiimadda danaha guud ee ummadnimo sida Somaliland.

Abaara 2:30pm ee shalay, waxaa nagu soo gaadhay war khuseeya arrintan oo kale xarunta wargeyska Haatuf, warkan waxaa nasoo gaadhsiiyay muwaadiniin uu dareenkooda aad u wanaagsanaa, waxay ka damqadeen qorshe ay ku arkeen mid ka mid ah saldhigyada booliska ee magaaladan Hargeisa, gaar ahaan dhinaca waqooyi.

Waxay tilmaameen in halkaas ay ka muuqato in dhulkii saldhiggaas uu hunguri ka galay nin leh dhisme u dhow, taas oo ay muujisay albaabo dheeraada oo aan hore ugu jirin dhismahaas ninka gaarka ahi leeyahay ee la jaarka ah saldhiggaas boolis ee danta guud oo uu u soo jeediyay dhanka saldhiga.

Hadraawi Oo Masraxa Suugaanta Ku Soo Dhaweeyay Dhalinyarada Xafladii Xalay Ee Jaamacadda Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa xalay kulan ugu qabtay dhalinyarada suugaanta xiiseeya si ay doorkooda maanta uga qaataan kaalinta suugaanta ee maanta laga sugayo.

Hadal furitaan ah oo abwaan Hadraawi halkaa uga jeediyay dhalinyarada ayaa wuxuu uga waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay suugaantu iyo doorka maanta looga fadhiyo dhalinyaradu inay ka qaataan horumarinta suugaanta iyo dhaqanka soo jireenka ahaa waxaanu intaa ku daray Hadraawi, in xili kastaaba ragiisa leeyahay, dhalinyaraduna ay yihiin kuwa leh wakhtiga maanta ayna ku xidhan tahay siday uga faa’iidaystaan, waxa kale oo uu sheegay in uu isagu maanta uga fadhiisanayo dhalinyarada si ay u ciyaaraan doorkooda ku wajahan suugaanta, iyo horumarinteeda isaga oo intaa ku daray inuu isagu halkii ugu dambaysay gaadhay isaga iyo dadkuna ay kala fogaadeen (macnaha dadka uu wax u sheegayo oo uu uga jeedo dhalinyarada oo ay kala waqti yihiin) sidaas darteedna uu doonayo inuu u baneeyo dhalinyarada kaalintooda maanta.

Ka dib wax halkaa suugaan kala duwan ka soo jeediyay  qaar ka mid ah dhalinyarada suugaanyahanada  cusub ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdhaba kuwaas oo aad loo jeclaystay suugaantii ay soo bandhigeen oo dhammaantood ay kaga hadlayeen halgankii la soo galay iyo cidhibxumada dagaalada sokeeye ay leeyihiin taasoo muujinaysay sida ay dhalinyaradu heeganka ugu yihiin inay maanta buuxiyaan kaalinta kaga Aadan suugaanta ee ay banaynayaan Abwaanaddii waaweynaa ee uu ka mid yahay Hadraawi oo soo buuxiyay kaalintoodii muddadii dheerayd ee ay soo wadeen taxanaha suugaanta taasoo maanta xilkeedii dusha ka fuulay dhalinyarada

Dhagax U Eg Muuqaalka Boqoradihii Faraacidii Masar Oo Laga Helay Somaliland

Hargeysa (Haatuf) Taariikhyahanada wax ka qora, daraasadana ku sameeya taariikhdii hore iyo boqoradii masar ayaa wax ka qoray Akhenaten, Nefetiti iyo Tutan Khanuma oo taariikhyahandu ay u yaqaanaan Faraacididii cadceeda (Pharaha’s of the sun).

Akhenaten iyo Boqorada Nefertiti waxa soo faqay taariikhdooda iyo muuqaalada muujinaya sanadkii 1911kii ilaa 1914 nin Jarmal ah oo ku takhasusay aqoonta baadhista xadaaradaha iyo nololihii hore ee jiray, waxaanu Ninkaasi waxyaalihii uu helay wuxuu dhigay miyuusiyam hore ee Masar oo ku yaalla Berlin.

Rolf Krauss oo ka mid ah aqoonyahanada baadhay taariikhda Boqorada Nefertiti oo xiligii ay qoyskeeda xukumi jireen Masar lagu qiyaasay 1336B.C ka hor dhalashadii Nabi Ciise wuxuu yidhi Rolf “eeg sida ay u qurux badan tahay waa quruxdii ugu sareysay dunida weligeed” markii uu ereyada lahaa wuxuu dhexmarayay Mr. Krauss qol ka mida qolal taariikhda ee ay sameeyeen maamulkii Boqoradii Masar oo leh qoraalo iyo dhagax laga qoray muuqaaladii Boqoradii Faraaciyiintii hore ee Masar.

Akhentaten waxa Aabe u ahaa Amenhotep III oo xukumayay Masar xiligii Faraacidii (37) sanadood xiligaas oo la odhan jiray sabankii Dahabka ee Masar (Golden Age) oo xiligiisa la sameeyay talooyin badan.

Akhenaten ayaa noqday Boqor isaga qaatay magaca Amenhotep IV.

Akhenaten ama Amenhotep wuxuu Boqornimada ka dhaxlay Aabihii isagoo qaba Nefertiti weli taariikhda ma cada halka ay Asal ahaan ka timid Boqorada Nefertiti ee uu guursaday Akhenaten oo may helin weli aqoonyahanada dersa taariikhdii hore ee qadiimiga ah.

Magaca Nefertiti ayaa macnihiisu yahay “Gabadhii quruxda badneyd way timid” macnaha magaceeda ee aynu xusnay ayaa keenay in culumada cilmigan ku takhasusay ay rumaystaan in Nefertiti ay ahayd Boqorad ka timid Boqortooyo kale oo ka jirtay Degmo la yidhaa Akhmin.

Culimada cilmigan taariikhdii hore ayay qaarkood rumaysanyihiin in waxyaalaha laga helay tuulooyinka Boqoradii hore ee Faraacida ee Masar aanu ahayn runtii muuqaaladii Nefertiti waxayna rumaysanyihiin inaan weli la helin hadhaagii taariikheed ee Nefertiti, tuulada ay ku noolaayeen boqortooyadaasi waxaa lagu magacaabay in la odhan jiray Amarna, Deegaanka Amarna waxaa kale oo loo yaqaan Pompei gii Masar (Pompei’I of Egypt) talooyinkii iyo Guryuhu Amarna way dumeen laakiin waxaa weli muuqda seeskii dhismayaashu magaaladaas qadiimiga ah ee Amarna oo ku ooli jirtay Masar.

Macluumaadkan iyo sawiro lagu soo bandhigay jariirdada National Geographic ayaa waxa ka mid ah sawirada Boqoradii Nefertiti ee Masar oo lagu muransanyahay inay ahayd Boqorad iyadu si toosa u xukunta sida Faraacidii iyo in ay ka mid ahayd uun Qoys reer Boqor ah, dhinaca kale dhagaxa ku sawiran halkan ee dhexda ugu jira labada sawir ayaa laga helay Somaliland dabayaaqadii sanadkii hore, isagoo dhagaxaasi muuqaal ahaan u eg kuwa Faraacidii hore laga dhaxlay.

Dhagaxan waxaa ka helay Somaliland, bahda Haatuf Media Network iyagaana gacanta ku haya macluumaadka arrintan la xidhiidha.

Bandhig Wax Soo-Saarka

Beeraha Ah Oo Ay Ka Qayb-Galeen Gobolada Awdal, Hargeysa, Iyo Saaxil

Boorama (Haatuf) Bandhig ku saabsan wax soo saarka beeraha  ayaa lagu qabtay deegaanada beeralayda ee Gobolka Awdal Weriye Maxamed Cumar oo Haatuf uga soo warama Gobolka Awdal ayaa sheegay in bandhigaaa wax soo saarka beeraha lagu qabtay degmada Dila gaar ahaan tuulada Horato iyadoo ay ka soo qayb galeen tababarayaasha beeralayda ee Gobolada Awdal, Hargeysa, Iyo Saaxil.

Weriye Maxamed Cumar wuxuu intaa ku daray in barnaamijkaasi uu ka mid yahay mashaariicda ay maal galiso Rescue Committee iyadoo ay fulinteeda ka qayb galeen Wasaaradda beeraha ee Somaliland iyo NGO-ga Ado.

Kulankaas waxaa ka qayb galay madax ka tirsan Wasaaradda beeraha iyo maamulka G/Awdal iyo madax dhaqameedyo, waxaa halkaas amaan looga soo jeediyay Hay’adda Maraykanka ah ee IRC kaalinta ay ka qaadato mashaariicda beeraha ee Somaliland iyo xidhiidhka ay la leedahay Wasaaradda beeraha ee Somaliland. Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal oo ka qayb qaatay Bandhig Beereedkaa tuulada jaraa Mr. Maxamed Xasan ayaa ka hadlay doorka ay tababarayaasha beeralaydu ka qaataan horumarinta farsamooyinka kor loogu qaadayo waxsoo-saarka dalagyada la beerto.

Madaxdhaqameedyadii ka qayb galay kulankaas ayaa iyaguna ka hadlay horumarinta dhinaca waxsoo-saarka ee uu keenay Barnaamijkan tababarka beeralayda ee Hay’addu.soo

Bandhigan beeralayda oo loo yaqaan (Field Day) waxaa sanadihii tagay lagu qabtay Deegaanada Toon Iyo AfRaag. Oo ka tirsan Degmooyinka Boorama Iyo Salaxlay.

Dawladda Iiraan Oo Beenisay In Dalkeeda Uu Saldhigyo Ku Leeyahay Ururka Al-Qaacida

Tehran(W. Wararka) Dawladda Iiraan ayaa shalay beenisay in ay dalkeeda wax Saldhigyo ah ku leeyihiin ururka Al-qaacida taasoo uu hore ugu eedeeyay Maraykanku oo sheegay in bariga Iiraan oo ku dhaw xuduuda uu dalkaasi la leeyahay Afqaanistaan ay ku yaalaan Saldhigyo ay ku tababartaan ururka Al-qaacida.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa eedeynta Iiraan Ku tilmaamay, mid aan aasaas lahayn kuna salaysan dacaayad uu fidinayo Maraykanku si uu u waxyeeleeyo sumcado ay Iiraan ku leedahay Caalamka, isaga oo intaa ku daray in aanay jirin wax Saldhigyo ah oo uu ururka Al-qaacida ku leeyahay dalkooda waxaanu afhayeenku taa daliil uga dhigay sidii ay colka u ahaayeen Iiraan iyo ururkii Daalibaan ee laga tuuray Afqaanistaan iyo ururka Al-qaacida oo ay xulafo ahaayeen.

Isaga oo ka hadlayay eedaynta Maraykankana waxa uu sheegay in aan wax cadayn ah loo hayn eedaynta loo soo jeediyay Iiraan arrintan oo kalena ay u baahan tahay cadayn loo cuskado bilowgii bishii Sebtember ayay dawladda Iiraan sheegtay inay xubno ka tirsan Al-qaacida u dhiibtay Maraykanka.

Dagaal Ba’an Oo Ka Dhex Qarxay

Ciidamada Ruushka Iyo Dagaalyahaynka Jejniya

 

Grosni (A.F.P) dagaalo culus ayaa ku dhexmaraya Ciidamada Ruushka iyo dagaalyahanka Jejniya meel ku dhaw xuduuda Jamhuuriyada Ingusheetiya kuwaasoo bilaabmay ka dib markii ay dagaal yahanka Jejniya dhulka soo dhigeen diyaarad nooca Helo Kobtarka ah nooceeduna yahay M.A.24 oo uu Ruushku leeyahay ayna ku dhinteen laba duuliye oo saarnaa. Afhayeen u hadlay Wasaaradda gaashaandhiga ee Ruushka ayaa sheegay in diyaaradu ay soo dhacday kadib markii lala helay saaruukh nooca lidka diyaaradaha ah.

Dagaalka ka dhex qarxay labada dhinac ayaa lagu tilmaamay mid aad u ba’an oo la isku adeegsaday dhammaan noocyada hubka, wararka qaar ayaa sheegay in dhimashada labada dhinac ay sare u dhaaftay ilaa 40qof.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu wali sii socdo iyadoo ay Ciidamada Ruushka uu kusii qulqulayo gurmad aad u fara badan.

Dagaalyahanka Jejniya ayaa lagu sheegay tiradooda ilaa 300 oo si  dhuumasho ah ku soo galay Jamhuuriyadda Ingusheetiya

Maraykanka Oo Duqeeyay Raadaar Ay Ciraaq Leedahay

Baqdaad(Reuter) Ciraaq ayaa maalintii shalay sheegtay in ay diyaaradaha Maraykanku gaadhsiiyeen waxyeelo ka dib markii ay duqeeyeen Raadaar yaalay Garoon diyaaradaha ee magaalada Basra.

Warkan oo ka soo baxay Ciraaq shalay wuxuu intaa ku daray in Radaarkaasi uu yaalay garoon diyaaradeed oo ay rayidku isticmaalaan magaalada Basra.

Isla arrintan ayay dawladda Ukrain ee xarunteedu tahay magaalada Kiev ay beenisay eedayn uu u soo jeediyay Maraykanku oo ah in qalab casriya oo ah kuwa digniinta ay dawladda Ukrain ka iibisay dalka Ciraaq.

Dawladda Maraykanka ayaa iyadu xaqiijisay in diyaaradaheeda dagaalku ay weerareen garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Basra ee dalka Ciraaq, afhayeen u hadlay aqalka gaashaandhiga ee Maraykanka Pentagon ayaa isna sheegay in diyaaradahoodu ay weerareen Radaar yaalay garoon diyaaradeed oo uu Milatariga Ciraaq isticmaalo lagana basaasi jiray diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska Ilaaliya dhulka duulimaadyada ka caagan ee koonfurta Ciraaq.

Raadyow ah kuwa la iska arko (TV) oo ay maamusho dawladda Ciraaq ayaa habeenkii khamiistii laga sii daayay in weerarkaas uu waxyeelo u geystay Radaar dhismihii garoon diyaaradeed oo ku yaalla Basra.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay hayso cadeyn ah amarkii uu bixiyay M/weynaha Ukrain Leonard Kuchma ee uu siiyay ninka u sareeya Ciidamada dalkiisa si qalab Radaar uga iibiyo Ciraaq arrintaas oo uu M/weynaha Ukrain iyo dawladiisuba ay beeninteeda ku celceliyeen maamulka dalka Maraykanka ayaa ka joojiyay Ukrain gargaar dhan $50 milyan oo Dollar (konton Milyan), waxaanay sheegeen inay u dirayaan Ukrain khuburo soo baadha eedayntaa.

Ajanabigii Deggenaa Ivory Coast Oo Laga Daad-Gureeyay

 

Bouake Ivory Coast (Reuters) dadkii ajanabiga ahaa ee aan u dhalan Ivory Coast gaar ahaan magaalada Bouake oo ay haysteen askar falaagowday ayaa shalay laga daadgureeyay iyaga oo ay ka saaristooda ka hawlgaleen ciidamo farasiis ah oo heshiis la galay falaagada haysatay magaaladaasi.

Dagaalka dhex maray Ciidamada dawladda iyo falaagada ee dhiiga badani ku daatay ayaa hadda u muuqda in falaagadu sii xoogaysanyaan, iyadoo hadda lagu qiyaasay in ilaa hadda 300 qof ay ku dhinteen dagaalada. Bilowgii dagaalka ayay dawladda Ivory Coast sheegtay in falaagadu ay ka joogto dhulkaas, goobo dagaal oo ay ciidamadu dawladdu saacado kaga saarayaan. Ma muuqato, in magaalada Bouake oo ay dadka ku nooli gaadhayaan ilaa milyan badhkii ayaa dhibaatada ugu badani muwaadiniinta rayidka marka laga daadgureeyo dadka ajaanibka ah waxaanay qaar ka mid ah dadkii laga daadgureeyay ee ajanabiga ahaa ay sheegeen in uu magaalada uu ka socday dagaal culusi.

Ciidamada dalalka galbeedka Afrika ee Nigeria iyo Ghana ayaa heegan ku jira, si ay u tagaan Ivory Coast. Wasiir ka tirsan Nigeria oo u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa sheegay inay Ciidamada labadaa dal taagayaan Ivory Coast sababtuna ay tahay in dalalka kuwada jira bahwadaagta ECOWAS ee galbeedka Afrika uu heshiiskoodu dhigayo in qaab qudha Madaxweyne lagu badali karo ururka ECOWAS taas oo ah qaabka doorashooyinka Ivory Coastna ay u taagayaan si ay u xoojiyaan Ciidamada dawladda

Taariikhda Magaalada Addis-Ababa Iyo Xilligii Ay Noqotay Caasimadda Itoobiya

Addis-Ababa oo ah caasimadda dalka Itoobiya, waxaa magaceeda lagu macneeyay inuu yahay ubaxii cusbaa (New Flower).

Sannadkii 1896, ayuu boqorkii Itoobiya ee Menelik II, wuxuu u doortay inay noqoto caasimaddii maamulkiisa, iyada oo markii hore uu magaceedu noqday Finfinnie.

Dhismaha magaalada Addis-Ababa, wuxuu bilowday markii la dhigay dhagaxii ugu horreeyay ee qasriga loo yaqaan (Old Gibbi) 1897.

Addis Ababa, waxay ku taalaa gobolka Shoa ee dalka Itoobiya, dhul uu joogiisu ka sarreeyo heerka Badda 8,000 ft (siddeed kun oo ft).

Jaamacadda Addis Ababa, waxaa la furay sannadkii 1950, waxaa kale oo ku yaalla laba kuliyadood oo wax ay ka bartaan macallimiintu. Addis Ababa, waa xarunta ganacsiga ee Bunka ka baxa Itoobiya, waxay kale oo ay leedahay wershado yar-yar, sida ta dharka, kabaha iyo kuwa daqiiqda.

Addis-Ababa, waxay soo jiidatay dalxiisayaasha dunida, waxaana ku yaalla dhawr Hotel oo caalami ah, garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa, wuxuu ku yaalla meel u jirta magaalada 2 mayl iyo badh.

Magaalada Addis Ababa, waxay u qaybsan tahay 10 degmo oo ah Dawladaha Hoose, waxaana ay hoos tagaan maamul uu xukumo nin lagu magacaabo Kantiba oo ah Mayor.

Sannadkii 1956, Addis-Ababa waxay ahayd xarunta boqortooyadii Itoobiya iyo fadhiga maamulka dawladda, waxaana la qiyaasay in xilligaa tirada dadka ku nooli ay ahayd 400,000 oo qof, toban kun oo ka mid ah dadkaa ayaa ajnebi ahaa.

Waddooyin ku xidha Addis Ababa gobollada kale ee Itoobiya iyo xadiidka isku xidha Djibouti iyo Itoobiya ayaa ah mid ka qaybqaata hawlaha is-gaadhsiinta.

Addis Ababa, waxay si weyn u noqotay magaalo koraysa wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee adduunka.

Waddada lagu magacaabo Churchil Road, ayaa ah mid ka mid ah kuwa isku xidha magaalada Addis Ababa gudaheeda, rugaha buugaagta, guryaha taariikhda lagu kaydiyo (museum), barxado beero nashasho iyo dhismayaal si gaar ah looga dhisay ayaa ka mid ah waxyaabaha qaybta ka qaatay muuqaalka caasimadnimo ee Addis Ababa.

Adeega telefoonka iyo laydhka ayaa ka mid ah waxyaabaha loogu xishay in Addis Ababa ay noqoto xarun ganacsi, mid dalxiis, hoyga diblomaasiyiin iyo safaarado.

Cimilo ahaan, Addis Ababa waa magaalo diiran oo leh cad-ceed maalintii, habeenkiina waa qabow. Roobabku waxay ka da’aan July ilaa daboyaaqada September sannadkii.

Addis Ababa, hadda waa xarunta dawladda Federaalka ah ee Itoobiya, oo ay hoos yimaadaan maamulo Kililo ku salaysan qowmiyadaha dalkaas ku wada nool.

Quruxdeedaa Sababtay Qalalaasaha Nolosheeda

Sheeko – Q: 2aad – Cumar Japan

Markiiba Najiib wuxuu bilaabay tilmaantii labadii hablood ee uu arkay iyo gurigii ay galeen, Ubaxna waxay tilmaantay in gurigan ka soo horjeeda uu yahay kii reer Goohe Guuleed, inanta qudha ee reerkaasi dhalayna ay tahay Luul iyo inay Luul saaxiib yihiin inan kale oo gasha guri aan sidaa uga sii fogayn, waxayna intaa ku dartay in ay labada habloodba yihiin arday fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe ah.

Najiib wuxuu goostay inaanu xog intaa ka badan weydiin Ubax, isaga oo weliba ku faraxsanaa inaanu daaha uga furin saaxiibkii Bashiir, sababta dhabta ah ee maanta uu fadhiga qayilaada gurigooda uga dhigtay. Bashiiroo albaadka soo garaacay awgeed ayuu Najiib ku dardaaray Ubax “Afkeenu waa isku ammaan,” oo ujeedaddiisu ahayd inaan Ubax u gudbin Bashiir tilmaantaa labada hablood.

Ubax markii ay albaabka ka furtay walaalkeed Bashiir, waxay u sheegtay inuu Najiib Goohe u yimid oo uu fadhiyo.

Bashiir markiiba wuxuu abaaray halkii uu gurigooda ka fadhiyay. Bashiir salaan diiran kadib wuxuu Najiib ku yidhi; “Waan garanayay inaadan qaloonayn oo aad sii fadhiisanayso.” Waxaanu raaciyay, “malaguu keenay sharaab.”

Najiib, wuxuu ugu jawaabay; “Haa, sharaab, shaah, cajalado wanaagsan oo aan dhegaysto intaba Ubax ayaa ii keentay.”

Ubax oo markaa ay Bashiir iyo Najiib erayadaa isu celinayaan taagnayd meel aan ka fogayn ayaa fahamka ay fahamtay in uu Najiib ka hortegay sida uu saaxiibkii Bashiir u faaqidi doono, haddii uu fahmo xulka cajaladaha ee uu Najiib dhegaysanayaa inay yihiin kuwa uu isagu soo xushay, ayaa isku celisay qosol, waxayna si deg-deg ah ugu booday dhinaca maqsinada kale ee guriga.

Bashiir ayaa saaxiibkii Najiib oo qaad afka ku hayay xiligaa u sheegay oo yidhi kaalay ila qadee, laakiin Najiib wuxuu ugu jawaabay; “Haddii aanan soo qadayn saaxiib marhore ayaan intayda sii qaddiman lahaa ee waan soo qadeeyay.” Codka macaan ee hees ka mid ah heesaha ay qaado Fannaanada caanka ah ee “Magool” oo ay heesta wada qaadayaan fannaanka caanka ah ee Maxamed Axmed, erayada heestaa waxa ka mid ahaa; inanyahay diraaciyo, dirir hooray kala wacan, adoo doog arkaayana lama dego abaare, nin tiisiiba daayacan kan kalee dugsanayaa ani igala doqonsane, dadnimada aqoonsoo, sidii dumar xishooyoo, hadalkii la dedi jiray ha igu odhanin dabadeed.

Najiibna isaga oo jiqilaysan ayuu guux raacinayay heestan oo uu la qaadayay. Magool, ayaa iyana dhinaceeda la kala baxday codkeedii dahabiga ahaa ee inta badan dhegaha dhegaysanayaa ay ku raaxaystaan, waxaanay tidhi; inanyahow dushaadaa laygu daadshay malaboo, horaan kuug daaloo kuma dayn karaayee, danoo waan is-moodoo nin kale lama dagaayee.

Bashiir markii uu dhammaystay qadadiisii ayuu la soo fadhiistay saaxiibkii Najiib, sheekadooduna galabtaa makhribnimadii oo ay soo gebogebeeyeen qayilaadoodii waxay u badnayd is-waraysi iyo sheekooyin dhallinyaronimadoodii xilliyadii ay is raaci jireen inta badan. ugu dambayntii Bashiir, wuxuu ku sii sagootiyay saaxiibkii Najiib Goohe sii dhaweyn iyo ballan ah in hadda wixii ka dambeeya ay kordhiyaan is aragooda iyo fadhiyada qaadka ay ku kulmaan waa inoo sidaas iyo waayahay ayaa lagu kala tegay.

Luul, oo inta badan aan hooyadeed Quman Sugaal u ogglayn in guriga ay ka maqnaato oo ay meel aan la ogayn ku maqnaato, waxay bannaan-bax ka dhigan jirtay inay maalinta Jimcaha ah gelinka hore u tegto Habar-yarteed Siraad oo gurigeedu ahaa xaafadda Gol-janno ee magaaladan Hargeisa. Inta badan Luul way la soo hadhgeli jirtay habaryarteed, waxaanay ka iman jirtay gelinka dambe xilli ay cad-ceedu qabowday.

Najiib oo kasoo baxaya gurigooda, ayaa halacsaday in inanta garaacaysa gurigan ku xigaa ay tahay Luul, hase yeeshee Najiib markii uu si fiican u hubsaday inay inanta guriga garaacaysaa tahay Luul, ayuu goostay inaanu is dareensiin, wuxuu u dhaqaaqay xaga gaadhigiisii oo inta uu fuulay u dhaqaaqay dhinacaa iyo wadada tagta faras-magaalaha Hargeisa.

Najiib, maalintaa wuxuu goostay inuu fadhiisto gurigooda, waxaana fadhiga ugu lamaanaa bal inuu waraysto Siraad Sugaal oo ahayd marwo gurigooda ay jaar yihiin. Waxaa maalintaa Jimce mashquulisay Najiib habkii uu Siraad iyo Luul waxay isu yihiin uu u ogaan lahaa.

Siraad Sugaal waxay afar carruur ah u leedahay Mooge Asraar oo ah nin ka shaqeeya hawlaha kastamada. Wuxuu jooga Berbera, laakiin inta badan gelinka dambe ee Khamiisaha toddobaadkii wuu yimaadaa Najiibna waa isku reer.

Najiib, wuxuu goostay inuu maanta helo Mooge Asraar, si ay isu raacaan, isaga oo naawilaya fursad uu u helo xadhig uu ugu tallaabo barashada Luul.

Maalintaa oo Jimce ahayd awgeed, shaqadana fasax laga ahaa, wuxuu Najiib soo maray inta badan maqaaxiyaha kuraasta dibeda la dhigo ee shaaha lagu cabo. Ugu dambayntii wuxuu ka helay maqaaxidii Qaahira oo dhinaca waqooyi ka xigtay Hotel Oriental ee magaaladan Hargeysa. Najiib markuu arkay inuu Mooge fadhiyo ayuu gaadhigiisii dhigtay waddada meel ka baxsan. Wuxuu salaan kadib, lasoo fadhiistay miiskii uu fadhiyay Mooge, salaan is-gacanqaada kadib, shaahna loo dalbaday Najiib, ayay Mooge dhammaysteen sheekadii u socotay nin ay meel ka wada shaqeeyaan, waxaanu u soo jeestay dhinaca uu ka fadhiyo Najiib.

Najiib oo diyarsaday sidii uu maanta u qaabili lahaa Mooge, ayaa ku bilaabay; “Adeer waanigan hawlaha ganacsiga beryahanba ku jiray, markaa waxaan doonayay inaynu maanta bal si gaar ah isu aragno oo dee aad bal hawlahan igala taliso.”

Mooge ayaa soo dhaweeyay ereyada Najiib, wuxuuse uga cudur-daartay inaanu doorkan gaadhigiisii wadan, sidaa daraadeedna ay bacda qadada fadhiga ku kulmaan gurigiisa, laakiin tu kale ayuu Najiib soo jeediyay, wuxuuna u sheegay in isagu gaadhi wato oo ay sidaa isku raacaan, Moogana wuu aqbalay soo jeedintii.

Markii ay Mooge iyo Najiiba wixii muraado ay lahaayeen ka dhammaysteen faras-magaalaha Hargeisa, ayay u ambo-baxeen dhinaca guriga Mooge, oo ay jaar yihiin guriga Najiib reerkooda.

Najiib, wuxuu qorshaha ku darsaday wixii uu kaga farxin lahaa carruurta ilma-Mooge oo uu yaqaan tiradooda. Markii gurigii Mooge la garaacay ee ay ka furtay Siraad, indhahana ay ku dhufatay inay wada socdaan Najiib ayay dib u booday, albaabkii oo furana soo celisay, waxayna Siraad soo hagoogatay shalmad.

Ilma-Mooge, oo yaqaan Najiib ayaa salaamay, iyaga oo leh adeer. Najiibna ku talogalkiisii uu u siday ayuu mid walba farta ka saaray, waxaanu raaciyay salaan uu Siraad si asluub leh u salaamay iyo kaftan xagga carruurta ah oo uu ku yidhi Siraad; “Dee u sheeg inaanu carruurta ilma-adeer nahay oo aanan adeer u ahayn.” Siraad oo waxoogaa dhoola-caddayn ah ku dartay ayaa tidhi; “Najiib ilma-adeer ayaad tihiin.”

Galabtaa, Najiib wuxuu helay fursad naftiisa raali-gelisay, inanta markaa shaaha iyo adeega kale qabanaysay waxay ahayd Luul oo joogta gurigii habaryarteed, indhaha ayuu Najiib la sii raacayay kolba marka ay u soo gasho, markay baxayso iyo marka ay wax u dhigayso. Wuxuu aad u dheehday quruxda Luul ee indha-sarcaadka ah, inkasta oo Luul iyo Najiib ay is-garteen, haddana midkoodna midka kale umuu dhaafin nabad iyo nabad.

Dabo-yaaqadii fadhiga qayilaadeed ee Mooge iyo Najiib, ayaa waxaa u soo gashay Luul, iyada oo u soo kordhisay shaaha, markii ay dhigtay ayuu Najiib ku dhiiraday inuu Mooge weydiiyo “adeer inantan ma Siraad bay wax isku yihiin,” mooge ayaa ugu jawaabay “Haa” oo habar-yar ayay u tahay, waxaana dhashay Quman Sugaal oo ah da’dii ka yarayd. Intaa wuxuu u raaciyay in la yidhaa ina-Goohe Guuleed.

Kala soco maalmaha Axadda, Isniinta, Salaasada, Arbacada iyo Jimcaha wargeyska Haatuf qaybtiisa Af-Soomaaliga ah…...

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Doorasho Hadday Dhiciwaydo Maxa U Talo Ah Mas'uulyiinta Dalka Iyo Axsaabta Wadaniga Ahba?

Xukuumadda hadda haysa maamulka Somaliland; waxay illaa hadda ka caga jiidaysaa in dalka ay ka qabsoonto doorashooyin xor ah. Waxaa cado u noqotay in mar kasta shacabkii reer Somaliland loo garaacayo durbaan aan jirin iyo qabanqaabinta doorasho oo iridaha laga soo xidho, markay doorasho soo dhawaataba. Somaliland waxaa illa hadda ka luntay laba iyo toban sannadood oo adduunka loo soo bandhigi lahaa in la tuso doorashooyin xor ah. Adduunweynuhu wuxuu ixtiraam, sharaf iyo aqoonsiba inagu siinaya marka aynu la nimaaddno dimuqraaddiyad xalaalaysan. Xukuumad hadba sabab ku marmarsoota oo sugaysa in muddada loo cusboonaysiiyo waa waxaa inoogu waacan dib u dhaca siyaasadeed ee maanta haysata Somaliland. Waana mid ku khasban golayaashu inaanay mar dambe u cusboonaysiin maamulka hadda talada haya ee ka soo bixi la' xilkii laga sugaayay.

Hadaba aragnay in doorashooyinkii marba dib loo riixaayo! Aragnay inaan illa hadda muqaal doorasho soo cadcaddayn! La ogaa in xukuumaddu isu diyaarisay in la siiyo cusboonaysiin dambe! Intaasiba waa wax jira oo soo socda illa imikana u baahan in tabaabushe laga sii dhigto.

Aniga waxaa iga talo bixin ah , in xukuumaddan talada dalka haysa ay maalintay muddadoodu dhammaato lagu baddalo markiiba maamul ku siisima ah(caretaker goverment). Maamul loo cayimo muddo go'an oo aan ka qayb galinn doorashooyinka qaran. Madaxweyne cusub oo suurta galiya doorashooyinka, dhexna u ah dhammaan axsaabta siyaasiga ah isla markaasna aan lahayn wax Damaca oo siyaasadeed haba yaraatee.Udub iyo madaxdeeduna doorashooyinka kala qayb qaataan axsaabta kale iyaka oo aan maamul gacanta ku hayn. Su'aashu se waxay tahay golayaasha durba Udubaysani daacad ma ka yihiin doorasho xor ah? Masuulka maanta dantii qaranka ku baddasha kursi jacayl, horta Somaliland jiritaankeeda iyo aqoonsigeedaba daacad ma ka yahay? Haddaanay xal xalkii jaadiidiska ka duwan hayn golayaashu markaa, waxaa khasab noqon doonta in ururada reer Somaliland ee dibaduhu sida Somaliland Forum iyo kuwa kaleba ay markaa la iman doonaan xal nabadeed badbaadiya dadka iyo dalkaba oo daacad laga yahay.

Maxamuud Caydiid Lafcanbe ,Toronto,Canada

Dawladda Hoose Ee

Hargeisa & Muhiimadda Taysarada

Waxaan doonayey inaan sharci usoo saaro jago banaan oo Hargeisa kutaala oo uu leeyahay qof ehaladeyda ah oo aan isugu ku sugneyn magaalada si uu u dhisto. Markii aan soo dhameeyey dukumintigii intiisii badneyd ee ay halkii u dambeysay marayso, ayaa laygu xidhay inaan keeno qofka jagada leh taysaradiisa. Qofkii ayaa ii soo diray taysaradiisii oo uu  Berbera  ka qaatay. Markii aan D/hoose ee Hargeisa keenay ayay shaqaalihii markii aan udhiibay tarsaradii ay igu soo celiyeen waxaanay igu yidhaahdeen tani kaa socon mayso ee waxaa qasab ah inaad taysaro Hargeisa ah keento. Waar miyaan dalku Somaliland aheyn oo tarsaradu isku mid ahayn ayaan ku idhi. Waxay yidhaahdeen haddii aad xataa Gebiilay ka soo qaadato oo gobolka Hargiesa ka tirsan lagaa qaban maayo. Ma sidaas ayaa laydinku amray ayaan idhi. Haa waa sidaas ee soo sameyso taysaro D/hoose ee Hargeisa.

Waa ayaan daro iyo wax laga khajilo in documenti sharci ah sida Tarsaradii degmo Somaliland ah laga qaatay ay Hargeisa tidhaahdo socon mayso.  Degmooyinka kalena maxay yeeli doonaan tolow markaa. Miyaan muwaadinku Burco, Berbera, Borama iyo Lasanodba dhul ku lahaan karin amase degi karin. Meelkasta ma tarsaro ayuu u sameysan doonaa!
Waxaan la yaabay cida amarkan soo saartay  oo ah mas’uuliyiinta D/hoose ee Hargeisa ama Wasaaarada Arimaha Gudaha kay doontaba sida aanay u tixgelin ama u rogrogin sharciga noocan ah sidii wax ugu dhimayo dalka iyo dadkaba. Waxay keeni kartaa arintani in:

1.       Qofkastaa uu taysaro ka sameysto degmo kasta iyo gobolkasata marka uu dhul uu leeyahay sharciyeysanayo mar hadii sidaa lagu qasbo.

2.       Waxaa imanaysa khal-khal doorashooyinka ah oo laga yaabo in dad aan dalka u dhalan loo dhiibo taysarooyinkaa faraha badan ee qofku sameysto.

3.       In ay xumaato wada shaqeynta iyo isku xidhnaanta dagmeeyinka iyo gobolada dalku

4.       Haddii ay sidani sii socoto waxay dhiiri gelin kartaa aakhirka in dalka dhaxdiisa fedaraal ka dilaaco oo gobolada fiisiyaal iyo nidaamo kala duwan lagu kala dhaqmo.

Waxaa u sheegayaa mas’uuliyiinta dawlada hoose ee Hargeisa iyo cidii kale ee  ay khuseysoba arintani in laga fiirsado shuruudaha noocan oo kale ah ee taysaro ku xidhan. Sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa in aan dawalada hoose si ay dakhli u hesho anay aheyn muhida loo bixiyo taysarooyinka balse ujeedada laga leeyahay tahay arimo intaa ka muhiimsan oo ah aqoonsiga qofka muwaadinka ah inay muujiso.

Ugu dambeyn waxaan mas’uuliyiinka dalka gaar ahaan kuwa shirci dejinta ku baraarujinayaa inay soo farageliyaan una sameeyaan sifaha sharci iyo nidaamka bixinta tarsarooyinka iyo waraaqaha ducumentka ee sharciga dhulka si loo mideeyo nidaamka dalka looguna  dhaqmo si aynu uga baxno in hadba maamul cusub ee dawladaha hoose u dejin shirci  sida ay lanoqoto iyaga.

Axmed Ducaale Faarax

IFTIINKA ISLAAMKA

Xulashada Asxaabta

Abuu Hureyra Al-Dowsi

”Abuu Hureyra Wuxuu Ummadda Islaamka U Xafiday Wax Ka Badan Kun Iyo Lix Boqol Oo Xaddiis Kuwaasoo Ka Mid Ah Axaadiista Rasuulka (Scw)”

 

Akhristow waxaa hubaal ah inaad taqaanid saxaabiga xiddiga ah ee ka mid ahaa asxaabtii Rasuulka (scw). Aynu isweydiinee ma ummadda Islaamka ayaa waxa ku jira ruux aan aqoonin Abuu Hureyra?!. Dadku waxay ugu yeedhi jireen xilligii Jaahiliga (Islaamka kahor) ”Cabdi Shams”, hase ahaatee markii uu Ilaah ku maamuusay diinta Islaamka, ee uu soo islaamay, kuna sharfay la kulankii Nebiga (scw) ayaa wuxuu Rasuulku weydiiyay su’aashan: ”Magacaa?”. Wuxuu yidhi magacygu waa ”Cabdi Shams”. Nebiga (scw) ayaa ku yidhi, maya ee waxaa lagu yidhaahdaa Cabdiraxmaan. Wuxuu yidhi, haye oo magacaygu waa Cabdiraxmaan, aabahay iyo hooyaday ha lagugu furtee Rasuulkii Alloow. Wixii maalintaas ka danbeeyay wuxuu magaciisu ahaa Cabdiraxmaan, aabihiina Sakhr. Waxay dadka ugu yeedhi jireen Abuu Hureyra, sababta loogu bixiyayna waxay ahayd, markii uu yaraa ayaa wuxuu lahaa bisad yar, taas oo uu jeclaan jiray inuu la ciyaaro. Wiilashii ay isku da’da ahaayeen ayaa wixii maalintaa ka danbeeyay waxay ugu yeedhi jireen ”Abuu Hureyra”, yeedhidaas (abuu hureyra) ayuu markii danbe  ku caan baxay.

Islaamnidii Abuu Hureyra

Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee wuxuu ku soo islaamay gacantii Dhufeyl Binu Camar Al-dowsi, isagoo intaa wixii ka danbeeyay dhex joogay tolkiisa reer Daws ilaa laga soo gaadho sannadkii lixaad hijriyada kadib, halkaas oo uu u soo wafdiyay Rasuulka (scw) oo joogay magaallada Madiina, wuxuuna la socday qaar ka mid ah tolkiisa oo iyaguna soo islaamay. Abuu Hureyra wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo u go’ay u-adeegidda iyo la-jirka Rasuulka (scw). Fadhigiisa iyo deggaankiisu wuxuu ahaa masjidka, Nebigana (scw) wuxuu ka dhigtay bare iyo hoggaamiye, mana uu lahayn xilligaas reer ama caruur.

Sidii uu ugu baari fali jiray hooyadiis oo gaal ahayd

Abuu Hureyra wuxuu la noolaa hooyadii oo waayeel ahayd, taas oo ku adkeysatay shirkiga iyo gaalnimada. Inkasta oo ay gaal ahayd, haddana Abuu Hureyra kamuu daali jidhin inuu u duceeyo, wuu u cabsan jiray, wuuna u baari fali jiray markasta, hase ahaatee iyadu way ka carari jirtay. Way ka tagi jirtay, iyadoo walbahaarka Abuu Hureyra uu ka walbahaarayo hooyadii ay buuxinayso laabtiisa. Abuu Hureyra wuxuu yidhi, maalin maalmaha ka mid ah ayaan hooyaday ugu yeedhay diinta islaamka, markaasay waxay Nebiga (scw) ku sheegtay hadal aan dhibsaday, ina dhaawacay. Wuxuu u tegay Rasuulka (scw) isagoo ooyaya. Rasuulka (scw) ayaa ku yidhi: ”maxaa kaa oohinaya!?”. Wuxuu yidhi, waxaan ahaa mid aan ka noogin yeedhista aan hooyaday ugu yeedhayo islaamka, halka iyaduna ay diidi jirtay inay soo islaamto. Hase ahaatee, maanta ayaa waxaan ugu yeedhay inay soo islaamto, dabadeedna waxaan xaggaaga ka maqlay wax aan dhibsado, ee Rasuulkii Alloow waxaad Ilaah uga baridaa inuu laabteeda islaamka soo geliyo. Nebiga (scw) ayaa u duceeyay Abuu Hureyra hooyadii. Wuxuu yidhi Abuu Hureyra: ”waxaan ku dhaqaajiyay guriga, markii aan u soo dhowaaday guriga ayaa waxaan maqlay dhawaaq sida biyo daadanaya oo kale, markii aan damcay inaan gurigii galana waxay hooyaday igu tidhi: joogso meeshaada, dabadeedna waxay xidhatay dharkeedii ka dibna waxay tidhi soo gal, markii aan gudaha guriga soo galayna waxay hooyaday tidhi: waxaan qirayaa jidhitaanka Allaha xaqa ah, waxaan kaloo qirayaa inuu Muxammad yahay addoonkii iyo Rasuulkii Alle…. Waxaan ku laabtay Rasuulka (scw), annigoo farxad awgeed la ooyaya sidii saacad ka hor-ba aan murugo darteed ula ooyay, annigoo markaas ku leh Rasuulka: bishaarayso Rasuulkii Alloow…., Ilaah wuu aqbalay ducadaadii oo wuxuu Alle (sw) hanuuniyay Abuu Hureyra hooyadiis.

Jeceylkii Abuu Hureyra ee Nebiga (scw)

Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu aad u jeclaan jiray Rasuulka (scw) jaceyl weliba saameeyay hilibkiisa iyo dhiigiisaba. Wuxuu Abuu Hureyra ahaa kii aan ka dhergin aragtida iyo eegista Nebiga (scw), wuxuuna odhan jiray: ma aanan arag wax ka qurxoon kana iftiin badan Rasuulka (scw) jeer la maleeyo in ileyska iyo iftiinka qoraxda la dul yeelay wejiga xabiibka Nebiga (scw). Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuu ku mahadin jiray Allihii ku galladaystay inuu noqdo saaxiibka Nebiga (scw) iyo inuu qaato diintiisa iyo hanuunkiisa, wuxuuna odhan jiray:

Waxaa mahad iska leh Allihii Abuu Hureyra ku hanuuniyay Islaamka.

Waxaa mahad iska leh Allihii Abuu Hureyra baray qur’aanka.

Waxaa mahad iska leh Allihii Abuu hureyra ku manneystay inuu noqdo saaxiibkii Nebiga (scw).

Sidii uu Abuu Hureyra u jeclaa Nebiga (scw), ayuu haddana uu u jeclaa cilmiga, wuxuuna cilmiga iyo aqoontu u ahayd hadaf iyo yool uu tiigsado markasta. Cilmiga ayaa u caado ahayd Abuu Hureyra Illaah haka raalli noqdee.

Nebiga (Scw) Ayaa Ugu Duceeyay Cilmiga

Waxaa sheekeeyay Zeyd Binu Thaabit Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuuna yidhi: goor aan anniga iyo Abuu Hureyra iyo nin aanu saaxiibo ahayn aan joogno masjidka welibana aynu Alle baryayno, xusaynana Alle ayaa waxaa nagu soo baxay Rasuulka Alle (scw) ilaa uu dhexdeena fariisto, dabadeedna waynu aamusnay. Nebiga (scw) ayaa nagu yidhi, hadalkii aad wadateen u noqda. Anniga iyo saaxiibkay ayaa waxaynu barinay Alle (sw) -kahor Abu Hureyra intaanu baryin– markaas iyada ahna uu Rasuulka noo aamiinsanayo (leeyahay aamiin). Haddana, waxaa Alle baryay Abuu Hureyra isagoo leh: Allahayoow waxaan ku weydiisanayaa waxa ay ku weydiisteen labadayda saaxiib.. Waxaan ku weydiisanayaa cilmi aan la hilmaamin… Nebiga (scw) ayaa yidhi: aamiin. Annaguna waxaynu markale nidhi: Ilaahayow annagana waxaan ku weydiisanaynaa cilmi aan la hilmaamin. Nebiga (scw) ayaa ku yidhi: waxaa idinkaga hormaray wiilkii reer Daws ahaa (Abuu Hureyra).

Siduu Abuu Hureyra uu naftiisa ula jeclaa barashada cilmiga, ayuu haddana ula jeclaa dadka inay weyneeyaan cilmiga. Taasina waxaan ku arki doonaa dhacdadan soo socota.

Abuu Hureyra ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo maray suuqa magaallada Madiina, wuxuu arkay inay dadkii ku shuqloomeen adduunyo, wuxuu arkay inay ku mashquuleen bicsharada iibka, iibka, siinta iyo qaadashada. In yar ayuu dadkii is dul istaagay, dabadeedna wuxuu dadkii ku yidhi: Yaa idinka tabar daran haddaad tihiin reer Madiinoow!!. Waxay yidhaahdeen, ma waxaad aragtay kuwayagan tamarta daran Abuu Hureyrow. Wuxuu yidhi, waxaa la qaybsanayaa dhaxalkii Nebiga (scw), idinkana waxaad fadhidaan halkan..! War miyeydaan tagaynin oo soo qaadanaynin qaybtiinii!! Waxay yidhaahdeen waa halkee?!. Wuxuu yidhi: “masjidka”. Dadkii ayaa u deg-deggay masjidka, Abuu Hureyrana iyaga ayuu sugay ilaa ay ka soo laabteen. Markii ay u yimaadeen, ayaa waxay ku yidhaahdeen: Abuu Hureyra, waxanu tagnay masjidkii mana aanan arag wax lagu qaybsanayay masjidka. Wuxuu ku yidhi, miyeydan masjidka ku arag wax dad ah?!. Waxay yidhaahdeen: haa.., waa run oo waxaynu aragnay dad tukanayay, dad akhrisanayay qur’aanka iyo kuwo kale oo baranayay cilmiga la xidhiidha xalaasha iyo xaaraanta. Wuxuu yidhi, haddaba taas ayaa ah dhaxalkii Nebiga (scw).

Faqrigii Iyo Gaajadii Uu La Kulmay Abuu Hureyra

Dhibaatooyin fara badan ayuu Abuu Hureyra kala kulmay barashada cilmiga diinta iyo u go’idda fadhiyada Rasuulka (scw), taasoo aynan jidhin qof sidiisoo kale ah. Abuu Hureyra oo arrintan ka sheekeenaya wuxuu yidhi: waxaa dhici jirtay inay gaajada i haysa igu adkaato jeer aan ka noqdo mid asxaabta ka weydiiyo aayad qur’aan ah -markaasna aan ogahay macnaha aayadda- waxa aan u weydiinayo waa inuu ii wado gurigiisa oo uu  i soo siiyo cunto. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gaajadii i haysay igu adkaatay, markaas ayaa waxaan caloosha ku xiray dhagax, waxaana fadhiistay waddada dhexdeeda. Waxaa waddadii soo maray Abuubakar (rc) waxaana weydiiyay aayad qur’aan ah, sababta aan u weydiinayana waa inuu gurigiisa ii kaxeeyo, mana ii kaxeynin. Intaa ka dib, waxaa haddana waddada soo maray Cumar Binu Al-khaddaab (rc), waxaan weydiiyay aayad qur’aan ah, isna iima yeedhin jeer uu markii danbe ka soo maro Rasuulka (scw), wuxuu gartay gaajada i haysa wuxuuna yidhi: ”Ma Abuu Hureyraa?!”. Waxaan idhi, haa, waana ku ajiibay Rasuulkii Alloow, ka dibna waan raacay, waxaana annigoo la socdo galnay gurigiisa. Wuxuu Nebiga (scw) guriga ka helay weel caano ku jireen, markaas ayuu reerkiisa ku yidhi: ”intee ayuu nooga yimid kani”. Waxay yidhaahdeen, waxaa kuu soo diray hebel. Wuxuu yidhi, Abuu Hureyroow waxaad u yeedhtaa jamaacadii la odhan jiray Ahlu-Sufa (waxay ahaayeen dad masaakiin ah, kuwaas oo aan lahayn reer iyo caruur iyo hoy midna, waxayna seexan jirayn masjidka Nebiga). Waxaa i dhibtay inaan Ahlu-Sufa ugu yeedho weelkan yar ee caanaha ku jira, waxaana naftayda ku idhi: Sidee ayeey u deeqaysaa Ahlu-Sufa weelkan yar?!. Waxaan filayay inaan hal mar dhamo caanahan si aan ugu xoogeysto, deedna aan iyaga u aado. Waxaan u imid Ahlu-Sufa, waxaana aan ugu yeedhay weelkii caanaha ku jireen. Hal mar ayeey yimaadeen, markii ay soo ag fadhiisteen Rasuulka ayaa wuxuu igu yidhi: ”intaad qaadid u gee iyaga”. Waxaan bilaabay inaan mid mid u siiyo caanihii ilaa ay dhammaantood caanihii ka dhamaan, weelkiina waxaan u celiyay Rasuulka (scw). Nebiga (scw) ayaa madaxiisa kor u qaaday isagoo muusoonaya, wuxuuna yidhi: ”waxaa hadhay anniga iyo adiga”. Waxaan idhi, run baad sheegtay Rasuulkii Alloow. Wuxuu yidhi, haddaba, cab caanaha, waana cabay. Markale ayuu igu yidhi, cab, haddana waan cabay. Rasuulka (scw) kama uuna suulin kii yidhaahda cab, anniguna aan cabbayo caanihii ilaa markii danbe aan ka idhaahdo: Ilaahii xaqa kugu saaray waxaan kuu dhaaranayaa inaanan awoodin inaan sii cabo.. Wuxuu qaaday weelkii, dabadeedna wuu cabbay suubbanaha Nebiga (scw) caanihii soo hadhay.

Waqti dheer kama aynan soo wareegin xilligaas, jeer kheyraatkii iyo barwaaqooyinkii ay dhex shubmaan muslimiinta, waxaana korkooda ku soo shubmay qaniimooyinkii ay ka heleen furashada. Abuu Hureyra wuxuu yeeshay hanti, guri, reer iyo caruurba. Hase ahaatee waxaas oo kheyraat iyo nimco ah-ba ma aynan beddelin naftiisii sharafta badnayd, dhinaca kalena ma aynan ilowsiin maalmihii uu faqiirka ahaa, wuxuuna inta badan odhan jiray:

”Waxaan ku barbaaray agoonimo, waxaan guuray oo hijrooday annigoo miskiin ah, waxaan shaqaale ka ahaa beer ay lahayd ina Qazwan annigoo ugu shaqeyn jiray si calooshii ugu shaqeystinimo ah, waxaan ahaa kii u adeega reerka markay soo deggaan, Awrka ayaan u kaxeyn jiray, Ilaahayna wuxuu ii sahlay inaan ka guursado shaqadii beertaas. Waxaa mahad iska leh Allaha diinta islaamka nidaam nooga dhigay, Abuu Hureyrana ka dhigay hoggaamiye. Abuu Hureyra wuxuu madax ka noqday magaallada Madiina, isagoo ka socda dowladdii Mucaawiye Binu Abii Sufwaan (rc) wax ka badan hal jeer, madaxtinimadaas uu noqday Abuu Hureyra ma aynan beddelin dabeecaddiisii.

La Soco Jimcaha Dambe……………

WAADIGA CIYAARAHA

Xidigaha Ac-Milan Oo Ciyaar Saaxiibtinimo

La Yeelanaya Xidigaha Gacanka Carbeed

Doha (Jasiira-Net) Kooxda Ac-Milan ayaa ciyaar saaxiibtinimo oo kubbadda cagta ah la yeelanaysa koox ah xidigaha wadamada khaliijka ama gacanka carbeed loo yaqaan maalinta ay bishu tahay 12/12/02, oo ay kula yeelanayso garoonka naadiga Al-Itixaad (Qatar), ciyaartan oo loogu talo galay inay noqoto gebgebada carwada caalamiga ah ee Qatar, ee Isboortiga, taas oo socon doona Dec-9-12, 2002, ee soo socota.

Warkaas oo lagu caddeeyay shirjaraa’id oo lagu qabtay naadiga Al-Dublamaasi maalintii salaasadii todobaadkan. Kaas oo laga hadlayay qabanqaabada iyo sida uu u qabsoomi doonto carwadaasi Isboortiga ah oo loogu magac daray (carwada B2B, farsamooyinka ciyaaraha dhismaha hoose ee Isboortiga).

Shirkaa Jaraa’id oo uu ka soo qayb galay Gudoomiyaha guddida Olambikada Qatar Sheik Tamiim binu Xamad Al-Thani.

Carwadan oo loogu talagalay in lagu soo bandhigo farsamooyinka & waxsoo-saarka shirkadaha ay khusayso arrintaas ee qabanqaabada qabashadeeda ciyaaraha  qaaradda Aasiya ee 2006, sidaa daraadeed waxa ka soo qayb galay shirkado badan oo ka kala socday Australia, France, Pakistan, England, kuwaas oo gaar u ah samaynta qalabka kala duwan ee ciyaaraha.

Si kastaba ha ahaatee ciyaartaa ay wada yeelanayaan xidigaha Ac-Milan iyo wadamada gacanka carbeed, waxa laga daawan doonaa oo lalin doona, iyada oo toos ah (Live), dhammaan wadanka Talyaaniga, taas oo uu u lalin doono telifashanka dawladda, sidaas oo kale waxa laga daawan doonaa Caalamka oo dhan, iyadoo laga daawan doono Satelite-yada Caalamka.

Sidaas darteed, waxaa lagu dhawaaqi doonaa magacyada xidigaha ku ciyaaraya magaca xidigaha Gacanka Khaliijka ee la ciyaari doona Ac-Milan xili-ciyaareedka cusub bilowgiisa.

Waxaa u qorshaysan Kooxda Ac-Milan in ay yimaadaan Doha, Qatar iyagoo ka imanaya Yurub, ka dib marka ay soo ciyaaraan ciyaar ka mid ah horyaalka Yurub, kaas oo uu ilaa hadda ka gaadhay laba guullood, ooka kala guulaystay Len oo uu kaga guulaystay 2-1 (arbacadii todobaadkii hore) iyo Deportivo oo kaga guulaystay maalintii Salaasadii todobaadkan 4-0.

Sidoo kalena, wuxuu kaalinta koowaad kaga jiraa kala saraynta dhibcaha liiga talyaaniga, (Serie A), ka dib markii uu ka badiyay laba kooxood ee Modenia, Berogia oo uulabada kaga badiyay natiijo kaliya 3-0.

Kooxdan Ac-Milan ee xidigaha oo ay u ciyaaraan xidigo farabadan oo caalamiya oo ka qayb galay koobkii adduunka ee ugu dambeeyay sanadkan 2002, ee lagu qabtay Japan/Korea oo uu ugu horeeyo xidiga reer Brazil ee Ronaldo, Difaacyahanka khatarta ah Maldini, weeraryahanka dalka Ukrain Andry Shevshenko, ciyaaryahanka Boortiqiiska ah Roi Costa iyo weeraryahanka talyaaniga ah ee Filipo Inzaghi.

Masuulka Kooxda Ac-Milan ee Andriona Jolinea ayaa yidhi “wakhti dhow ayaa la go’aamin doonaa ciyaaryahanada ka qayb gali doona ciyaartaas, taas oo ay ka qayb gali doonaan ilaa 20 ciyaartoy,oo ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan Kooxda”

Real Madrid Oo Lix

Gool Gosha U Gelisay Grenk

Kooxda Real Madrid ee Horyaalnimada Yurub haysata iyo kooxda Lyon ayaa habeenkii arbacadii helay nasiibkii ugu weynaa ee xagga goolasha, kadib markii ay Real Madrid 6-0 kaga badisay kooxda reer Belgium ee Grenk, kooxda Lyon-na ay iyana ka badisay kooxda Rosenberg ee Norway oo ay kaga badisay 5-0, toddobaadkii labaad ee tartanka Horyaalka Yurub ee kubadda cagta.

Garoonka Santiago pernabio ee kooxda Real Madrid, ayay kooxda Grenk 44 daqiiqadood iska caabiyaysay weerar kulul oo ay ku haysay kooxda martida loo ahaa Real Madrid, ka hor intii aan boga loo gelin laba gool oo qaybtii hore ee ciyaarta laga dhaliyay iyo afar kale oo qaybtii labaad laga dhaliyay.

Guushaas oo ka dhigaysa tii labaad ee ay Real ku guulaysato, iyada oo ay ka maqan yihiin labada ciyaaryahan ee dawliga ah Zenadine Zidane (France) iyo Ronaldo (Brazil) iyo weliba ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska ah ee Makellele.

Guti ayaa furay goolasha ay Real Madrid ku harqisay kooxda Grenk, kadibna waxa goolka labaad u saxeexay ciyaaryahanka khadka difaaca ka ciyaara ee Micheal Salgado daqiiqadii koowaad ee wakhtiga dheeraadka ah ee qaybtii hore ee ciyaarta.

Real Madrid, waxay sii waday hogaaminteeda ciyaarta oo ay gebi ahaanba iyadu si habsami ah u haysatay, waxaanay daqiiqadii 55aad heshay rigoore, kadib markii Ivan Helgera khalad lagaga galay diilanta 18aad gudaheeda, waxaana si quman u laaday oo shabagga ku hubsaday xiddiga reer Bortaqiis Luis Figo oo ka dhigay ciyaartii 3-0.

Guti ayaa goolkii labaad, ahaana kii afraad ee kooxdiisa u dhaliyay daqiiqadii 64aad, goolkii shanaadna waxa u nasiib u yeeshay inuu dhaliyo Lopez daqiiqadii 74aad, kadib markii uu ka helay kubad baas ah xiddiga Raul oo isna ku soo geba-gebeeyay silsiladii goolasha Real daqiiqadii 76aad goolkii lixaad, halkaas oo ciyaartii ku dhammaatay 6-0.

Guusha weyn kadib, Real Madrid waxay 6 dhibcood ku hogaaminaysaa Group C, halka Grenk dib ugu dhacday kaalinta ugu dambaysa, iyadoo leh dhibic keliya.

Roma 0-0 AEK Athena

Ciyaartii labaad ee Group C, ayay Roma ku dhacday mixnad kale, kadib markii barbar-dhac aan waxba la isku dhalin la gashay kooxda AEK Athena, iyadoo uu ka maqnaa kooxda Roma xiddigooda khadka dhexe uga ciyaara Francisco Totti.

Laakiin kooxda Roma waxa ay ka faa’iidaysatay khasaaraha soo gaadhay Grenk, waanay ka hormartay oo kaalinta saddexaad ayay soo gashay, iyadoo leh hal dhibic, halka ay AEK Athena ku jirto kaalinta labaad, laba dhibcoodna ay leedahay.

Sidoo kale, ciyaarihii habeenkii Arbacadii dhacay ee ay iskaga horyimaadeen kooxaha Yurub ugu xoogga badani, waxay u dhaceen sidan: