Wargeyska Haatuf

Tirsiga: 171

Maalinta: Salaasa

Taariikh: 1 October 2002

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

 

Tabaabushe Adag Iyo Talo Dhamaystiran ayaa Sal u Noqon kara Doorashooyinka

Hadal haynta in laga qabta doorashooyin Somaliland waxay ahayd mar walba ku jirtay maamulida lagu doortay shir beeleedadii ka dhacay Somaliland marka laga bilaabo 1991-1997, laakiin in sidaa loo qorsheeyo talada loo egmaday oo si fudud iyadoon la lafa gurin loo qaatay arrimaha oo muddo sanadaha looga fadhiyay, maamuladii shir beeleedada lagu doortay ay dhamaystiraan inta aanay dhamaanin waqtiga loo doortay in ay xilka hayaan.

Sababo keenay in aanu u hirgalin barnaamij loogu talo galay fulintiisa xili waxa fashilin karo dhawr arrimood duruufo sidooda u yimaada oo ka dhiga in aanay sidii la rabay u qorshahaasi u hirgalin in, qiyaas xumo ka timid markii la asteynayay arrintaasina waxay keeni karaan in lagu hungoobi in uu dhamaystirmo barnaamij la dhigtay hirgalintiisa in ay doorashooyin ka hirgalaan Somaliland ayaa leh sifo aan ilaa waqtigan aan dhinac uga dhicin in laba qof oo walba ay ku kala aragti duwanaadaan in ay la mid noqon karaan qorshayaashii hore oo kale ee muddo dhaafi jiray, waxayse doorkan u muuqataa in diyaargarowga Somaliland in ay dhacaan doorashooyin ay hore uga yara dhaqaaqday halkii ay taagnayd sanadihii hore markii la eego ururada Siyaasadeed ee unkamay, Guddiyada arrinta doorashooyinka oo iyaguna magacaaban, hawlaha ururada siyaasada ee Somaliland oo iyaguna leh dhaqdhaqaaq, sanaaduuqdii codaynta doorashooyinka oo xili hore la sameeyay, laakiin waxa muuqata in aanay weli deegaanada ay doorashooyinku ka dhacayaan isku si aanay u taabanayn xiligan jawiga ururo Siyaasadeed iyo loolanka Siyaasadeed oo aad arkayso in ay xoogoodu u badanyihiin magaalooyinka waaweyn ee Somaliland gaar ahaana xarunta Hargeysa.

Isku kalsoonida ah in ay doorashooyinku dhici karaan dhammaantood xiligan loogu tala galay waxaa haatan ku howgala inta badan ururada ka mid ah loolanka Siyaasadeed. Dalka dareenka ugu weyn ee rogrogaya talow doorashooyinku may dhici? Haddii ay dhacaan ma u dhici doonaan si raali galisa dhammaan dhinacyada ku loolamaya? Ururada libaysta iyo kuwa guuli dhinacooda raacin ma iskaga raali noqon doonaan go’aanka ka soo baxa waxay weydiimahaasi aad uga badan yihiin dadweynaha reer Somaliland ee iyagu ah kuwa loo tartamayo codkooda,.

In badan oo dadweynaha reer Somaliland ah ayaa laabta ka jecel in aanay doorashooyinku cidii doontaaba haku guulaystee inaanay noqon kuwa keena khilaaf aan hore u muuqan, oo saamayn ku yeelan kara nolosha dadweynaha reer Somaliland taas oo ay u arkaan in ay tahay qodob aad u ah lagama maarmaan, inta badan waxgaradka u dhuun daloola arrinta ururada siyaasada ee Somaliland iyo doorashooyinka ayaad ka dareemaysaa inay tabayaan dhaqdhaqaaq tabaabusho oo ka xowli badan ka hadda gaar ahaana hay’addaha ka howlgalaya dhexdhexaadinta iyo fulinta doorashooyinka si ay arrintu u noqoto mid si siman u wada gaadha dhammaan deegaamada Somaliland. Talo dhinac u wada jeeda oo ka muuqata aragtiyada ururada u diiwaan gashan loolan siyaasadeedka aan inta badan jiilka codaynaya aanay fursad u helin inay ka qayb galaan, marka loo eego xiligii ugu danbaysay doorasho madax banaan ayaa iyana ah arrin u baahan in lagu darsado xisaabta fahamsiinta iyo barnaamijyadii ka dhaadhicin lahaa ka qayb galkeeda guud ahaan markalagu xisaabtamo qodobada qorshaysan inay ka hirgalaan Somaliland boqol kow iyo Toban maalmood marka laga bilaabo maanta arrimo u baahan si ay u midha dhalaan tabaabushe ADAG iyo talo dhamaystiran ayaa noqon kara muuqaalka runta  u dhaw.

“Hadii Xal La Doonayo Waa In Labada Calan Mid La Gubaa”

Doodaha Reer Sool                                                         

Laas-caanood(Haatuf): Iyadoo ay hadda muddo dhawr toddobaad ah xarunta gobolka Sool ee Laas-caanood fadhiyeen wefti culus oo ay hogaaminayaan koox salaadiin reer Somaliland ah, ayna ka mid yihiin siyaasiyiin, duqay iyo wax garad kale ayey dadka ku dhaqan gobolka Sool dareenkooda ka muujiyeen aragtidooda la xidhiidha hawl-galka iyo ujeedada weftigaa, iyadoo ay weftigaasi hadda ku dhex jiraan xal u helidda dhibaatooyin colaadeed oo dhex maray qaar ka mid ah beelaha reer Sool.

Weftigaas oo markoodii hore ka bixitimay magaalada Hargeysa markii ay tageen gobolka Sool waxay ujeedada socdaalkooda ku tilmaameen inuu la xidhiidho sidii nabad looga dhalin lahaa beelaha ay colaaddu ka dhex dhacday, ka dibna waxay markiiba guda galeen wada xaajood nabadeed oo ay ka dhex bilaabeen beelaha wax dhex yaaliin. Hase yeeshee marka laga yimaado hawlaha dhinaca nabadgelyada ee ay weftigaasi ku dhex jiraan waxa kale oo aan, iyana dareenkeedu qarsoonayn inay ujeedada ugu muhimsan ee weftigu tahay amuur siyaasadeed, taas oo nuxurkeedu yahay inay weftigu beesha Sool wada xaajood siyaasiya kala soo yeeshaan wixii tabashooyin ah ee ay u tirinayso dhinaca dawladda Somaliland iyo guud ahaan sidii ay beeshu lugaha ula soo geli lahayd aayo-ka talinta qadiyadda Somaliland. Laakiin hadda waxay u muuqataa inay weftigaasi dhex-muquurteen xal u helidda mushkilado colaadeed oo beelaha qaarkood ka dhex jira, taas oo aanay ilaa hadda u far-bixin arimihii dhinaca siyaasadda.

Sida la ogyahayna gobolka Sool iyo guud ahaan degaamada bariga Somaliland  waxa saameeyey khilaafaad siyaasadeed oo inta badan lugta ku haya maamulada kala duwan ee ka jira dhulweynaha jamhuuriyadii burburtay ee Soomaaliyeed, taas oo ay hogaamiyayaasha siyaasadeed iyo kuwa dhaqankuba kala raaceen maamulada jira, sida Somaliland, Puntland iyo maamulka C/qaasin ee Muqdisho ka jira, taasina waxay degaamadaa ka abuurtay xasilooni daro maamul iyo khilaafaad siyaasiya oo sal dhigi waayey.

Hadaba dadka reer Sool waxay u muuqdaan inay guud aad u soo dhoweeyeen hawl-galada dhinaca nabadgelyada ee ay weftigaasi ku dhex jiraan, laakiin dhinaca kale marka la eego waxay wax garadka iyo hogaamiyayaasha reer Sool u muuqdaan inay ku kala aragti duwan yihiin xaajada siyaasadda.

Weriye Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan, haddana ku sugan Laas-caanood ayaa dad badan oo ka mid ah hogaamiyayaasha reer Sool kala sheekaystay aragtidooda la xidhiidha hawl-galka iyo ujeedada weftigaa.

“Walaahay waxaan u arkaa inay weftigani yihiin wax Illaahay noo soo diray, waxaana u arkaa in weftiga imaatinkoodii laga kala fadhiyo, iyaga oo beelihii is hayey mid walba meesheeda ugu tegey wixii ay weftigaasi qabteena ilaahay baa ka jasaa’I marinaya”sidaa waxa yidhi Chief Caaqil, C/risaaq Jaamac Cali-bile oo ka mid ah cuqaasha reer Sool, laakiin caaqilku isaga oo ka hadlaya khilaafaadka siyaasiga ah ee hadda ka jira gobolkaa waxa uu yidhi “Qabiil siyaasad ku wada heshiis ahi ma jiro, gobolkana waxa u sii dheer Jugraafi ahaan meesha uu ku yaalo, ta kale waxa la yidhi hadii ay kuugtu badato maraqu wuu xumaadaa, markaa waxaa jira isimo batay oo kala burbursan,  isimada iyo siyaasiyiintana wax u dhexeeyaa ma jiraan, maamuladuna waxay la soo xidhiidhaan isimada, isimaduna cuqaal iyo shacab midna lama tashadaan ee waxay la noqoto ayey maamulka ku yidhaahdaan, iyadoo weliba isim waliba tiisa gaarka haysto, markaa anigu waxaan leeyahay ilaa wadadaa laga leexdo ma filayo inay wax hagaagayaan”.

Axmed Cali Daad oo isna ka mid ah wax garadka reer Sool ayaa arimahaa wax laga waydiiyey, wuxuuna ugu horayn yidhi “Hindisaha nabadgelyada ee ay weftigu wadaan waxaan u arkaa waajib saarnaa”, laakiin intaa ka dib waxa uu ka hadlay khilaafaadka siyaasiga ah ee gobolkooda ka jira, wuxuuna yidhi “Khilaafka siyaasadeed ee gobolka ka jiraa waxa uu salka ku hayaa talo baahday, hadii ay taladu baahdana khilaafku wuu bataa, dadkana isimada ayaa talada u hayn jirey, isimadiina way bateen, isimadii iyagu isu iman lahaa ee talada qaban lahaa ayaa mid-ba meel u jeedaa, markaa waxaan u arkaa inay isimadu isu yimaadaan oo ay siyaasad ahaan meel u wada jeestaan, laakiin inta ay isimadu ku kala xidhan yihiin Somaliland, Puntland iyo Carta khilaafku wuu jirayaa”.

Maxamed Ismaaciil (Dawacajiqil) ayaa isna yidhi “Hindisaha nabadgelyada ee ay weftigani wadaan aad iyo aad baanu ugu diirsanay , waxayna arin ku waajib ah inay soo gurmadaan”, sidoo kale Maxamed, isaga oo ka hadlaya khilaafaadka dhinaca siyaasadda ee hogaamiyayaasha beesha ka dhex-ooggan wuxuu yidhi “Khilaafka siyaasadda waxa lagaga bixi karaa, iyadoo la isu yimaado hadii ay tahay isin, caaqil, siyaasi, guurti, dhalinyaro iyo wax garad kale, lana tashado, hindisahaasna iminka ayaanu wadnaa, waxaana ku rajo weynahay in khilaafkaa dhowaan la soo afjaro, insha’alaah”.

Cabdilaahi Sanjab ayaa isna arimahan ka hadlay, wuxuuna yidhi “Hindisaha nabdgelyadu waa arin sax ah, waanuna u ducaynaynaa weftiga”, laakiin Cabdilaahi, isaga oo ka hadlaya dhinaca siyaasadda wuxuu yidhi “Khilaaf siyaasadeed waxa lagaga bixi karaa, kuwa maamulada sheeganaya ee hareeraha naga xiga oo wax dawlad lagu sheegi karo na soo hor dhiga oo wax la kala doorran karo la yimaadda, waayo hadda labaduba qabiil bay hayaan”.

Fu’aad Aadan-cadde oo ah gudoomiye-xigeenka labaad ee ururka ASAD, kana mid ah hogaamiyayaasha beesha Sool ayaa isna arimahan wax laga waydiiyey, wuxuuna ugu horayn yidhi “Waxaan u malaynayaa inay weftigani yihiin, kuwo ilaahay noo soo diray, hawl badana way qabteen, haddana way wadaan, waxaana filayaa inay dhamaystiri doonaan, ilaahayna ha ku guuleeyo oo ilaahay nabadda ha noo soo celiyo, qoriga iyo dhibaatadana ha naga dheereeyo”.

Fu’aad Aadan-cadde, isaga oo ka hadlaya arimaha dhinaca siyaasadda iyo khilaafaadka siyaasiga ah ee gobolka ka jira waxa uu mar kale yidhi “70 jir ilaa wiil yar qori baa lagu wada xaragoonayaa, taana waxa keenay labada maamul ee gobolka hareeraha ka xiga, hadii xal la doonayana labada calan waa in mid la gubaa oo meel la isu raacaa, taas ayaan u arkaa in khilaafka lagagag bixi karo”.

“Amarka Dhulka Lagu Bixiyay Wasaarada La Iga Xukumo Ayuu Iiga Yimi”

Maayarka Burco - Waraysi

Burco(Haatuf): Waa nin dheer oo madow, goor fiid ah abaara 7:30 daqiiqo ayaan isaga oo cimaamad yar tuurta ku sita, macawisna guntan xafiiskiisa kula kulmay,wuuna shaqaynayey xiligaa, wuxuuna ii sheegay inuu gelinka dambe shaqada xafiiskiisa ku soo noqdo. Kaasi waa maayarka magaalada Burco, Aadan Maxamed Mire (ina waqaf) oo uu waraysi dheer oo dhinacyo badan leh dhowaan magaalada Burco kula yeeshay weriye A. Ducaale oo Haatuf ka tirsan.

Maayarka Burco waxa uu xilka hayey muddo aan hadda ka badnayn laba bilood iyo wax yar, laakiin ugu horayn, isaga oo ka waramaya xaaladda guud ee magaalada uu maayarka ka yahay waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Marka loo eego xiliyadii hore xaaladda guud ee nabadgelyada magaalada aad iyo aad bay u wanaagsan tahay,wayna degan tahay magaaladu”, laakiin maayarku wuxuu xusay inay jiraan iska hor-imaadyo ama falal mararka qaarkood dhaca oo la xidhiidha mushkiladda dhul-boobka, nabadgelyadana waxyeeli kara. Laakiin maayarku waxa kale oo uu ka waramay xaaladda maamul ee dawladda hoose iyo waxyaalihii uu kala kulmay, wuxuuna tilmaamay duruufo xooggan oo uu kala kulmay dawladda hoose markii uu xilka la wareegay. “Waxaan xafiiska ugu imi dayn gaadhaysa ilaa laba bilyan iyo lix boqol oo milyan oo shillin Somaliland ah iyo $77,000 oo dolar oo dadweyne leeyahay iyo sideed boqol iyo konton kun oo ay leeyihiin shaqaalaha dawladda hoose oo dayn ah, lacagtaas daynta ahna waxaanu dawladda dhexe isla af-garanay inay iyadu masuuliyadeeda qaado, hantidhawrna loo soo diro oo meel lagu tiiriyo”ayuu yidhi maayarku, laakiin waxa uu intaa ku daray inaan arintaa ilaa hadda waxba laga qaban, isla markaana ay dadkii ay dayntu ka maqnayda culays weyn ku hayaan.

“Shaqaalaha dawladda hoose waxay gaadhayaan ilaa 400, meeshuna waxay qaadi kartaa ilaa 150 qof, inta kale waa dul-saar culays nagu haya, bilkastana waxa uu afartaa boqol mushaharkoodu gaadhayaa 110 milyan oo shillin Somaliland ah”ayuu yidhi Aadan, isaga oo sheegay inay wasaaradda daakhiliga iyo hay’adda shaqaalaha ka ballameen dhimidda shaqaalaha dawladda hoose, iyadoo imtixaano laga qaadayo, laakiin aan arintaa ilaa hadda waxba ka qabsoomin, isla markaana ay aad u raagsadeen wax ka qabashada arintaa.

Muddo 7 bilood ah ayaanay shaqaalaha dawladda hoose ee Burco wax mushahar ah qaadan, laakiin maayarku waxa uu sheegay inay saddex bilood hadda siiyeen, isla markaana ay inta kale ee hadhay ku dedaali doonaan sidii ay u bixin lahaayeen, wuxuuna maayarku sheegay in arinta shaqaalaha xad-dhaafka ah iyo daynta dawladda hoose ay labaduba u baahan yihiin in si degdeg ah xal loogu helo. Hase yeeshee dhinaca kalena waxa uu maayarku sheegay in mudadii yarayd ee uu xilka hayey oo gaadhaysa ilaa laba bilood iyo waxoogaa uu dakhliga dawladda hoose laba jibaarmay. “Awel waxa uu ahaa maalintii ilaa milyan iyo badh ilaa laba milyan oo shillin Somaliland ah, maantana wuxuu marayaa shan milyan ilaa lix milyan, mana jirto wax dayn ah oo nalagu leeyahay, kharashaadkana waanu xidhnay”ayuu yidhi Aadan, wuxuuna intaa ku daray in waxyaalaha maamulkiisu dhinaca magaalada ka qabtay ay ka mid yihiin olole ay ku qaadeen dhinaca nadaafadda oo awel aad u liidatay, taas oo uu sheegay inay wax badan ka qabteen, isaga oo sheegay inay dadweynuhu hawl-galka nadaafadda ka caawiyeen, isla markaana waxa uu maayarku intaa ku daray inay dhinaca kalena jidad u baneeyeen meelo badan oo uu cidhiidhi dhinaca wadooyinka ahi ka jirey. Laakiin waxa uu xusay inay haysato dhibaato dhinaca qalabka iyo gaadiidka ahi.

Maayarku waxa kale oo uu sheegay inay waxoogaa xakameeyeen dhibaatadii dhinaca dhul-boobka, laakiin taasi meesha kama saarin mushkiladda gaamurtay ee dhul-boobka Burco, waxaana dhaxal-wareegay dhul badan oo dhulka danta guud ama dawladda ah, taasna waxa uu maayarku ku tilmaamay mushkilad aan hawl yarayn oo u baahan in wax ka qabashadeeda si balaadhan la isugu taago dawlad iyo dadweyneba. “Dhibaatada dhul-boobka waxa inta badan qof shillin la ordaya iyo qof intuu dhul iska qabsado leh anigaa leh”ayuu yidhi Aadan, laakiin dhibaatada dhul-boobku labadaa qolo oo keliya kuma koobna ee waxa kale oo ka qayb qaata dhinacyo ay ka mid yihiin maamulayaasha dawladda iyo kooxo ka tirsan ciidamada, taasna wuu qiray maayarka laftiisu. “Ma jiro dhul dan guud ah oo dawladda gacanta ugu jiraa, wuxuuna hadii uu dhisnaa iyo hadii uu banaanaaba gacanta u galay dadweynaha, waxaana laga yaabaa inay dadku 70% waraaqo u sitaan, waraaqahaana maamul uun bixiyey”ayuu yidhi maayarku.

Maayarka Burco waxa kale oo uu, iyana dhibaato weyn oo ka jirta magaalada ku tilmaamay qorshe la’aan dhinaca degsiimada ah, laakiin waxa uu sheegay inay qorshaha ugu jirto sidii ay mustaqbalka magaalada ugu samayn lahaayeen qorshe degsiimo (Tawn Plane), taasna waxa uu tibaaxay inay rajaynayaan inay hay’adda Hapitate ka caawiso, isla markaana waxa uu sheegay inay magaaladu sii balaadhanayso maalin-ba maalinta ka dambaysta, sidaa darteed-na hadii aan loo samayn qorshe degsiimo ay arintu sii arbushmi doonto.

“Magaalada ka soo baxa 55% dad gaar ah ayaa gacanta ku haya, inta kalena dawladda ayaa ku haysa”ayuu yidhi maayarku, isaga ka hadlaya xaaladda biyaha, wuxuuna intaa ku daray “5% ayey guryaha magaalada biyo ku jiraan, laakiin waxa jira 104 goobood oo ay dadweynuhu ka dhaansadaan, taas ayaana yaraysay baahida biyaha”, laakiin waxa kale oo uu sheegay in lagu talo jiro in bisha Oktoobar la bilaabayo hanaan biyo gelin ah, mashruucaasna ay Hapitate gacan ka gaysan doonto, isla markaana waxa kale oo uu sheegay inuu maamulkiisu ka shaqayn doono bilicda magaalada. “Ilaahay hortiisa ayaanu ka ballan-qaadnay inaanu dadka ugu adeegno si daacad ah, anaga oo dib ugu celinayna cashuurtii aanu kka soo ururinay”ayuu yidhi maayarku.

Intaa ka dib waxa maayarka la waydiiyey su’aalo badan oo uu jawaabo ka bixiyey, su’aalahaa iyo jawaabahaa oo xiise badnaa waxay u dhaceen sidan:

S: Waa imisa kharashka aad maalintii ama bishii isticmaashaan ?.

J: Kharashka hadda naga baxaa waa Shidaalka aanu ku adeegayno oo ah ilaa 200 Litir oo Nafto ah iyo ilaa 130 Litir oo Bansiin ah maalintii iyo mushaharka daynta ah ee shaqaalaha iyo weliba dayactirka baabuurta oo ah baabuur duug ah, wixii kale ee kharash ah waanu iska xidhnay.

S: Dakhliga aad soo saartaan iyo kharashka aad isticmaashaan ma yihiin wax isu dhigmaya ?.

J:  Horta dakhliga aanu soo saarnaa 80% waxa uu ka baxaa mushaharka shaqaalaha 20%-ka soo hadhayna waxay ku baxaan adeegyadayada, mushaharka shaqaaluhuna waxa uu noqon lahaa 40%, Laakiin dhiig baxa dhaqaale waxa noogu wacan mushaharka faraha badan ee daynta ah, taas oo ay bil walba mushahar u qaadanayaan 110 milyan, markaa weli islama aanu gaadhin inaanu ifka u soo baxno oo aanu dhaqaalahayaga qorshaysano ee god baanu ku jirnaa ee sidii aanu godkaa uga soo bixi lahayn ayaanu ku mashquul sanahay.

 S: Mushkiladda dhul-boobka ee aad sheegtay inaad yaraysay sidee baad wax ka qabashadeeda u waajahday ?.

J: Horta wacyi-gelin badan baanu dadka siinay, ta kale qofka dhul uu leeyahay naga soo codsada inuu dhisto waanu raacnaa oo hadii aanu aragno inay tahay meel dan guud ah ama meel aan munaasib ahayn ama la isku haysto waanu joojinaa sharciyeyntiisa, hadii ay meeshu munaasib tahay waxaanu u samaynaa sharci, taas ayaana qaadatay qaybta ugu weyn ee aanu ku yaraynay dhibaatada dhulka, sidoo kale hadii uu qof meel u dhisto si sharci daro ah waanu soo qabanaa oo waanu ganaaxnaa ama hadii uu xadhig mutaystana waanu xidhnaa, dhulkii sharci darada ku dhistayna waanu ka duminaa, mana jiro dhul cusub oo aanu bixinaa.

S: Waxa jira dhul muhim ah oo dan guud ahaa oo sida la sheegay la bixiyey intii aad xilka haysay sida dhul u dhow iskuulka Sh. Yuusuf, waxaana la sheegay in bixintaa dhulka la idinkaga soo amray xagga sare, taasi ma jirtaa ?.

J: Waa dhab oo taasi way jirtaa, waana nasiib darooyinka dhacaya, dhulka aad carabowdayna amar kor ka yimi oo aanu qoraalkiisa hayno ayaa lagu bixiyey ee ma aha wax dawladda hoose ka yimi ama ka dhashay.

S: Ma sheegi kartaa cidda amarkaa soo bixisay ?.

J: Aniga wasaarad baa la iga xukumaa, amarkaasina wasaaradayda ayuun buu iiga yimi.

 S: Iskuulada dhulkoodii waa la boobay ama weerar baa lagu hayaa maxaad taa wax uga qaban waydeen ?.

J: Wixii aamu soo gaadhnay degmo ahaan iyo gobol ahaan-ba waanu ilaalinaa, culayskana waanu saarnay sidii aanu wax uga qaban lahayn ama aanu u ilaalin lahayn, laakiin waxa wax naga horeeyey oo meelaha qaarkood daaro laga dhisay, taasna maanta uma hayno awood aanu ku dumino, dadkaa wax dhistayna in yar mooyaane intooda badani waxay haystaan waraaqo maamulku siiyey sifaha oo doono haku siiyee, iskuulada weerarka lagu hayaana waa kuwa dunsan…

La soco berito qayb kale oo waraysigan ka mid ah oo xiisa leh.

Wasiirka maaliyadda ee Somaliland oo ka Hadlay Miisaaniyada 2003

 

Hargeysa (Haatuf):- Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Mr. Xuseen Faarax Doodi, ayaa shalay sheegay in ay ku rajo-weyn yihiin inay diyaar noqoto qaraarka miisaaniyadda dawladda Somaliland ee sannadka 2003, xilliga sharciga ah ee la doonayo in ay soo hordhigaan ansixinteeda golaha wakiilada ee Somaliland, oo ah 30-ka bishan October.

Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland, Mr. Doodi, wuxuu sidaa ugu warramay wargeyska Haatuf oo shalay ka waraystay hawsha diyaarinta miisaaniyadda Somaliland, ee ay u xil-saaran tahay wasaaradda Maaliyaddu.

Mr. Xuseen, wuxuu intaa ku daray in hawsha diyaargaraynta ay meel doora marinayaan wasaarad ahaan, kuna rajo weyn yihiin in aanay dhaafin u gudbinteeda Golaha Wakiiladu xilligii loogu talogalay dhinaca kale, bal in hay’adda maaliyadda u qaabilsan xukuumadda ay horkeeni doonto Golaha Wakiilada iyo in kale, waxay ka mid ahayd hadallo soo-jeedina oo uu mid ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiladu ku xusay hadalkiisa fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada oo uu guddoomiyaha golahaasi Axmed Maxamed Qaybe iyo mudanayaashii kale ee doodaha ka soo jeediyayba ay isku tirtirsiyeen in golahoodu uu guntiga dhiisha iskaga dhigo fulinta iyo dhammaystirka hawlahooda qaran.

Isla fadhigii shalay ee golaha Wakiilada, waxaa warbixintii guddiga garsoorka ee golaha Wakiilada ka soo jeediyay Md. Faysal Axmed Maxamed.

Waxaa kale oo fadhigaa lagaga hadlay shalay oo ay mudanayaashii ka hadlay soo jeediyeen in golaha Wakiiladu uu hoos u eego xeerar-hoosaadadiisa u yaalla, hawlaha gudiyadda golaha iyo dhammaystirka wixii hawlo ah ee xilligan laga sugayo.

Wasiiro Xukuumadda Somaliland Ka Tirsan Oo U Ambabaxay Tanzania

 

Hargeysa (Haatuf): Wefti ka kooban saddex wasiir oo ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa shalay u ambabaxay caasimada Tansaaniya ee Daaresalaam.

Saddexdan wasiir  oo kala ah wasiirada qorshaynta Axmed Xasan Caafi, hawlaha guud Yuusuf Caynab Muuse, iyo

Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf waxa la sheegay inay booqashadoodu ka dambaysay marti qaad ayka heleen xarunta bariga Afrika ee hay’adda shaqaalaha adduunka I.L.O, muddada ay booqashadoodu socotana waxa ay wadahadalo la yeelan doonaan masuuliyiinta hay’addaasi oo ku saabsan sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa shaqaalaha Somaliland.

Marka ay dhamaato booqashada ay ku tageen dalka Tansaaniya waxa ay soo mari doonaan caasimada kenya ee Nayroobi oo ay wada hadalo kula soo yeelan doonaan hay’adaha deeqbixiyayaasha si loo hagaajiyo kaalmada ay Somaliland ka hesho Caalamka.

Cismaan Caato iyo xubno kale oo ku Eedeeyay Dawladda Kiiniya iyo Gudiga IGAD Gashilaada Shirka Nayroobi

 

Muqdisho (Haatuf):- Shir-jaraa’id oo ay dhowaan qabteen Cismaan Caato, Mawliid Macaane iyo C/waxiid Liiq ayay ku sheegeen in ay dawladda Kenya ay ku fashilantay qaban-qaabadeedii shirkii Nayroobi ee la filayay in ay isugu yimaadaan kooxaha siyaasadda ee Somaliya.

Xubnahaas ka tirsan garabyada siyaasadda ee Soomaaliya, waxay eeda u soo jeediyeen dawladda Kiiniya oo ay ku daraan, oo ay iyagana dhaleeceeyeen guddigii farsamada ee IGAD u qaabilsanaa shirka Nayroobi ee Soomaalida.

Eeda ay u soo jeediyeen dawladda Kiiniya iyo guddiga qaban-qaabada shirka Nayroobi ee IGAD waxay ku saabsanayd xubnaha eedayntaas ku dhawaaqay in guddiga farsamada ee shirka Nayroobi oo ay ku dareen laba nin oo Soomaali ah, oo ay sheegeen in ay yihiin dhinacyada Soomaalida ee siyaasadda ku loolamaya, taasina ay sababtay fashilaada dawladda Kiiniya iyo guddiga qaban-qaabada ee shirka Nayroobi

Daymada Daryeelka Deegaanka

Cilmi-baadhis iyo Culuumta Beeraha Deegaanka

 

Waxbarashada dhinaca culuunta beeraha iyo degaanka oo ay la socoto xarumo cilmi-baadhiseed oo la shaqeeya hawl-wadeenada sidas tooska ah ula shaqeeya degaamada ayaa ah qayb lagama maarmaan u ah daryeelka iyo horumarka degaanka barnaamijyada ku saabsan arrintan aynu xusnay dunida waxaa kala duwan siyaasadaha ay ugu talogaleen dal-dal ahaan ama gobol-gobol.

Dhinaca dalka Maraykanka culuunta beeraha waxaa lala xidhiidhiyaa oo ay ku salaysan tahay baahida loo qabo wax-soosaarka ee la xidhiidha korodhka saamiga tirada dalkaas dadkooda aan ahayn beeralay wax soo saarta.

Sannadkii 1820-kii dalka Maraykanka 13% oo keliya ayaan ahayn xilligaas beeralay.

Qarni kadib, taariikhda aynu xusnay Maraykanka 30%, ayaa ku hadhay dhulka beeraha ee wax-soosaarka tirada guud ee dadweynaha dalkaas, qaybtii hore ee qarnigii labaatanaadna 15%, ayaa dadweynaha Maraykanka ku noolaa degaanada beeralayda ah.

Barashada culuunta beeraha Maraykanku wuxuu wax ku baraa dadkiisa laba nooc oo waxbarasho, Kuuliyadda Cilmiga Beeraha lagu barto iyo iskuulo sare.

Waddamada loo yaqaan Barwaaqo-sooranka (Common Wealth), iyaga waxaa laga bartaa culuunta beeraha saddex heer wax-barasho mac-hadyo tabobar beereed (Vocational Trainings), Kuliyado u gaara culuunta beeraha iyo qaybo ka mid ah jaamacadaha waaweyn oo iyagana lagu barto waxbarashada beeraha.

Dalka Kanada isaga barashada culuunta beeraha waxaa ka mas’uul ah D/hoose ee gobollada, iyada oo hawlaha cilmi-baadhista ay maal-geliso dawladda federaalka ah ee Kanada.

Ustaraaliya , hay’addii ugu horraysay ee hirgelisa waxbarasho beeraha ah waxay dad gaar Usaraaliyaan ah oo iskood isu kaashaday ay hawlgalayeen sanadkii 1822, meesha la yidhaa Paramatta oo ku taal New South Wale, Australia.

Dadkii hay#addaa sameeyay waxay ku bilaabeen in ay iyagu is-weydaarsadaan aqoontooda dhinaca beeraha ah.

Waddamada Barwaaqo-sooranku waxay ku dhaqmaan qaab cilmi-baadhiseed la xidhiidha beeraha ay tahay mid ka madax-banaan wasaaradaha dawladda, iyada oo ahmiyadda la siiyo qofka isagu la yimaaada hindise cilmi-baadhis ah.

 Waddamada Bariga Afrika, wuxuu Ingiriisku ka sameeyay xarun cilmi-baadhiseed dhinaca beeraha iyo dhirta sannadkii 1948,  Muguga oo ku taal Kenya. Waxaa ku jiray xaruntaas cilmi-baadhisteed shaybaadh isna la xidhiidha hawlaha cilmi-baadhista ee xaruntaas.

Xaruntaasi waxay tahay mid u furan wasaaradaha iyo dadka sida gaarka ah iyagu u samaynaya cilmi-baadhista.

Cilmi-baadhista ay ka hawlgasho xarunta Muguga, ee Kenya, waxaa ka mid ah ciida iyo biyaha dhaqaalayntooda.

Faransiiska xallinta masalooyinka beeraha iyo cilmi-baadhista waxaa laga fuliyaa dadka degan goobaha beeraha dhexdooda, waxaanay siyaasad la xidhiidha beeraha ee Faransiisku ku salaysan tahay ka haqab-tirka waxyaabaha la cuno ee dadka dalkaasi u baahan yihiin iyo wanaajinta tayada dalagyada midhahooda la wershadeeyo ee ay dibadda uga dhoofa dalkaas.

Fansiisku xilli hore, ayay dhaqan ahaan bilaabeen barashada culuunta beeraha iyo cilmi-baadhista la xidhiidha sannadkii 1826 (Eclole Nationale D’Agriculture), oo ku yaalay Grignon, dalka Faransiiska.

Dalalka Iskandaniifiyanka (Scandinavian), Netherlands, iyo Denmark dhaqaalahooda oo ku tiirsan dhoofinta wax-soosaar dhinaca beeraha ah oo la leh tayo sare ayaa keentay in sannadkii 1849, ay shaqo tagaan dalka Denmark ardaydii ugu horraysay ee ka qallin-jebisa jaamacad farsamo oo beeraha ah (Technical University).

Bariga Dhexe, waddamo ku yaal, waxay leeyihiin xarumo waxbarasho iyo goobo cil-baadhiseed sida Negev oo ku yaal Isra’il. Fez oo ah mac-had ku yaala Qaahira, Masar, Egy oo ku yaala Dimishiq, Suuriya, iyo Ciraaq ayaa iyaguna leh jaamacado beereed oo aan laga qaadin lacag ardayda wax ku barata.

Guud-ahaan Somaliland xilligan marka laga reebo Camuud oo leh xarun waxbarasho oo beeraha ah, ma leh goobho waxbarasho iyo xarumo cilmi-baadhsieed oo ku jihaysan dhinacaa. Waxaa xusid mudan inuu xidhan yahay dugsigii beeraha ee Dayaxa, gobolka Sanaag oo xidhnaa hadda in muddo ah.

Culuunta beeraha oo ay ka mid tahay tan degaanku waa mid lama huraan u ah inay iyada iyo cilmi-baadhisteedu ay aas-aas u noqdaan siyaasadda horumarinta degaanka iyo dalagyada la cuno iyo kuwa lagu quudiyo xoolaha wax-tarka badan leh.

Wararka Dibadda

Weerar lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee Indooniisiya

 

Jakarta (W.Wararka) – Saddex qof ayaa ku dhintay kadib markii ay dablay hubaysani weerar ku qaaday goob ku dhow qasriga madaxtooyada ee dalka Indooniisiya, kaas oo ay ciidamada ammaanku ku tilmaameen in loola jeedo in lala beegsado qasriga madaxtooyada laftiisa.

Sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan dawladda Indooniisiya, madaxweynaha dalkaasi Migarnawati Sukarno Buuti, ayaaku sugnayd guriga madaxtooyada dhexdiisa markii uu weerarku dhacay, ilaa haddana aanay qaadan go’aan ay wax kaga beddelayso sugitaanka ammaankeeda sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Indooniisiya. Weerarka oo ay geysteen rag hubaysan oo watay mootooyin, waxa ku dhintay afar qof, afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, ilaa haddana may caddaan cidda ka dambaysay weerarkan iyo ujeedada laga lahaaba. Balse waxa socda baadhitaan ballaadhan oo lagu ogaanayo dhacdadan.

Maaha markii ugu horraysay ee weeraro noocan ahi ay dhacaan, balse hore loolama beegsan jirin guriga madaxtooyada.

Dhinaca kalena, afar ka tirsan ciidamada ayaa dhintay, ilaa 15 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay iska-horimaadyo dhexmareen ciidamada booliska iyo kuwa mileteriga ee Indooniisiya, kadib markii ay mileterigu weerareen xarun ay ciidamada boolisku ku leeyihiin xarunta Jasiirada Sumadra, waxaana halkaasi ka baxsaday ilaa 60 maxbuus oo ku xidhnaa.

Sida ay wararku sheegeen ilaa markii la riday madaxweynihii hore ee Indooniisiya Suharto 1998, waxa socday iska-horimaadyo u dhaxeeya ciidamada Mileteriga iyo booliska Indooniisiya.

Dedaal Diblomaasiyadeed oo Xal Loogu Doonayo Arrinta Dalka Ciraaq

 

Baqdaad (W. Wararka): Waxa socda dhaqdhaqaa dublamaasiyadeed oo xoog leh kaasoo looga danleeyahay in xal loogu helo arrinta Ciraaq si looga hortago weerar lagu qaado Ciraaq.

Si gaar ahna waxa arrintan ugu hawlan dalalka carabta oo dadaal xoog leh ugu jira in xal loo helo arrintaasi inta aanu dhicin weerar lagu qaado Ciraaq.

Hawlgaladan waxa ka mid ah kulan ay ku yeelanayaan maanta magaalada Qaahira madaxweyaha Masar xusni Mubaarak iyo madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad boqorka dalka Urdun boqor C/laha labaad ayaa isna booqasho ku tagaya dalka Kuweyt halkaasoo uu kula kulmayo Amriika Kuweyt sh. Jaabir Al-Axmed Al-Sabaah. Ra’iisal wasaare ku xigeenka Ciraaq Daariq Casiis, ayaa isna booqasho ku jooga caasimadda dalka turkiga, waxaanay taasi ku soo beegantay iyadoo ay halkaasi booqasho ku joogto kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Yurub hawlahaasoo dhammaantood dabadda ku haya sidii xal loogu heli lahaa arrinta Ciraaq.

Dhinaca kalena Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa wada dhaqdhaqaaq ay cadaadisku saarayaan Ciraaq iyaga oo qaramada midoobay hordhigaya qaraar Ciraaq lagu siinayo muddo 30 cisho ah inay ku ogolaato baadhitaan ballaadhan oo lagu sameeyo goobaha u hubku ugu kaydsanyahay, haddii ay muddada ku ogolaan weydana in xoogla adeegsan karo si loogu qasbo inay aqbasho.

Magaalada Veina waxa isna ka socda wadahadal ay leeyihiin guddiga baadhitaanka hubka u qaabilsan qaramada midoobay iyo saraakiil ka tirsan Ciraaq kaasoo ay ujeedadiisu tahay sidii ay Baadhayaasha hubku ugu noqon lahaayeen Ciraaq ka dib markii ay muddo afar sano ah ka maqnaayeen dalkaasi.

Goobo badan oo Caalamka ka tirsan waxa ka socda mudaaharaadada lagaga soo horjeedo weerar ay Maraykanka iyo xulufadiisu ku qaadaan Ciraaq.

 

Maraykanka oo Ka Werwersan Yuuraaniyam lagu Qabtay Turkiga

 

Ankara (W. Wararka): Dawladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday shalay inay ka werwersantahay arrinta 100gr oo yuuraaniyam ah oo lagu qabtay dalka Turkiga maalintii sabtidii.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay guriga cad ee Maraykanka dawladda Maraykanku waxay daba socotaa oo baadhaysaa arrintaasi inay waxyeelo u leedahay iyo in kale waajibna ay tahay inay arrintaasi si fiican u baadhaan.

Tan iyo markii ay weeraradu ka dhaceen Maraykanka waxa ay dawladdu ka werwersanayd weerar cusub oo lagu qaado, gaar ahaana weerar loo adeegsado hubka kiimikada ah sidaa darteed ayay qabashada yuuraaniyamta oo ay heleen Ciidamada amaanka ee Turkigu ay shaki iyo werwer ugu dhalisay dawladda Maraykanka. Taasoo ku jirtay weel ka samaysan rasaas oo culayskiisu yahay ilaa 15kg.

Ilaa iyo hadda warfaahfaahsana oo arrintan la xidhiidha kamuu soo bixin dawladda Turkiga balse waxa socda baadhitaano arrintan la xidhiidha.

 

Doorashooyinkii East Timor Oo Lagu Amaanay Daddaalad Inay U Dhaceen

 

Doorashooyinkii ka dhacay dalka East Timor bishii April ee sanadkan 2002, ayaa lagu amaanay hawlwadeenadii ka shaqaynayay hawlaha codaynta ee doorashooyinkaas inay u shaqeeyeen si daacada oo aanu mad madow ku jirin goob joogayaashii ka hawl galayay doorashadaas jasiirada East timor ayaa sheegay in habsami u shaqayntii ay muujiyeen shaqaalihii ka hawl galay codayntii doorashooyinkaasi ay kasbadeen in dad badan oo reer East Timor u dhashay ay gasho kalsooni dhinaca codaynta doorashada karti ay hawl wadeenada East Timor ee ka hawl galay 13 degmo oo ku yaal jasiirada ayaa ku timid tababaro ay qaateen oo ku saabsanaa fahamka qaabka codaynta Xisbi walba oo ka qayb galay codaynta East Timor waxa (350) xubnood u tababartay hay’adda (IRI), kuwaas oo iyaguna sii tababaray xubnaha kale ee ururka qaabka codaynta ee doorashinka East Timor loogu talo galay maalintii codaynta doorashooyinka East Timor oo ahayd 14April 2002, waxay hay’adda IRI (international Republican Institute) ay geysay goobjoogayaal iyo markhaatiyaasha doorashooyinka oo koox,koox ah goobaha Bancana, Dili,Airnaro, Ailen iyo Cova Lima oo dhammaantood ku yaalla wadanka East Timor.

Guud ahaan codayntii maalintii 14 April ee sanadkan si nabadgelyo ah ayay uga dhaday East Timor, waxaana codeeyay (378,000) saddex boqol iyo sideed iyo todobaatna ay 83% codkooda siiyeen in dalka madax banaan ee East Timor uu madaxweyne u noqdo Mr. Xanana Gusamo, sidaasna uu ku noqday Madaxweynihii u horeeyay ee East Timor oo noqday qaran gooni ah oo madax banaan.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Qashinka Boorama Yaa Lala Sugayaa

Toban sano ka hor boorma waxay ahayd magaalooyinkii dalkii Soomaaliya la odhan jiray ugu qurux badan leh ugu nadiifta badanle ugu jidadka waaweyn leh uguna caafimaadka badanyihiin dadkeedu. Maantana Boorama waxay noqotay magaalada ugu qashinka badan leh, ugu eyda badan, uguna caafimaadka daran leh. Runtii cidna laguma eedayn karo waxa yimid, laakiin waxa eedu haysataa cidda wax  ka qaban weyday shacbi ha ahaato ama maamulkeeda ha ahaadeene.

Ninkasta oo muddo dheer ka maqnaa Boorama wuxuu maanta markuu yimaado la yaabayaa waynaanta ay weynaatay iyo foolxumada dhextaalla oo ah boqolaal ey, Buuro qashin ah iyo jidadkii magaalada oo la iska dhistay.

Iyadoo Haddaba uu maamul jiro dalka, Booramana ay soo mareen maamulo dawladeed oo iskaga dambeeyay ilaa imika lama hayo cid waddaninimadu damaqday oo ka xumaaday foolxumada Boorama maanta haysata. Maamul kasta oo yimaaddaa wuxuu ku mashquulaa inuu lacag jeebadaha ka buuxsado dhul laaluush lagu bixiyo oo dan guud ah ama jidad ah, xitaa waxa kiro laga qaataa ama la iska degay Dugsiyada ama goobihii Waxbarashada welina lama garan waxa ka dhici doona ama meesha ay ku dambayn doonaan arrimahan soo socdaa.

Haddaba iyadoo uu haatan maamulka haya magaaladu u egyahay mid dadaalaya itaalkiisu wuxuu doono ha noqdee,haddana ma dhici karto inuu helo amaan ilaa uu wax ka qabto eyda laga qaaday xanuunada aan la garanayn kana sifeeyo buuraha qashinka ah ee ishu qabanayso, Dugsiyada iyo goobihii adeegyadana uu kusoo celiyo gacanta dawladda ha ku eegina nadiifinta gurigiina ee u tashada naftiina, caruurtiina iyo caafimaadkiina

Maxamed Nuur Kaahin Boorama

Xukuumaddu haddii aanay dalka Idaacad Wayn U soo Iibin Suurto gal maaha in ay Doorashooyin dhacaan

Waxaynu dhamaanteen ognahay in idaacad la’aani tahay dawlad la’aan Idaacada Hargeysa 1999 bishii September ayaa dalka la keenay, waxaana inoogu deeqay dawladda Yemen, awoodeeda maqalna ma dhaafsiisna Hargeysa mawjadeeda gaabani maqalkeeda waxa laga maqlaa meel meel iyo dhif. Haddaba shacbigu meesha laga wacyi galiyo wixii dalka ku soo kordhana looga sheegaa waa idaacada, inaguna ilaa maanta malihin, idaacad dalka oo dhan laga maqlo iyo dalalka jaarkeena oo dadkeena reer Somaliland qaybo ka mid ihi ku noolyihiin sida Jabuuti, Itoobiya, Yemen, Kenya, iyo Soomaaliya.

Haddaba waxaan kula talinayaa Xukuumadda in ay si degdeg ah u galaan sidii dalkan idaacad wayn loogu soo iibin lahaa isagoo kala tashanaya Engineerada iyo Madaxda w/warfaafinta ee ay khusayso arrintani, waana in idaacadaas la soo iibiyaa inta aan doorashooyinku bilaabmin, ee ka horeysa haddii alle idmo oo ah 15 Dec, ka dibna la qabtaa wixii kale ee baahi ah ee idaacadu u baahantahay oo noqonaya waxyaalo farabadan.

Qiimaha idaacadu ku kacaysaa maaha wax farabadan oo laga baqdo.

Ismaaciil C/Raxmaan Cumar Xaashi Hargeysa

Maxaad ka taqaan wadaniyadda

Muwaadinow waa sidee hadii ay jirto cadaawad iyo caadifad qabiil oo aan weli laga heshiinini iyo hadii ay jirto waxyaalo la kala tirsanayaa oo aan weli si dhab loo xalinini, taasi miyaanay ahayn ta keenta muranka iyo ismaandhaafka ku saabsan tabashooyinka ay dadka qaarkood tirsanayaan iyo weliba ismaandhaafka ku saabsan dawladnimada Somaliland.

Hadii uu tuhunku sii socdo oo aan si dhab ah looga heshiin laguma guulaysan doono in la meelmariyo dhismaha iyo aqoonsiga Somaliland, ta kale hadii aynaan maqan tahay kalsoonidii dhexdeena sidee baynu bulshada caalamka ugu qancin karnaa qadiyadeena. Waxaan doonayaa wax weyn waxaan diidayaa wax yar.

Aqoonsigu waxa uu ku jiraa wadanka gudihiisa iyo inaynu inagu is aqoonsano, ka dibna jaarka ka doono, ka dibna caalamka ka doono. Waxaynu doonaynaa wax weyn oo aad inooga fog, waxaynu diidaynaa inaynu samayno wax yar oo aad inoogu fudud, waayo waxaynu aqoonsi ka raadinaynaa meelo kale iyo dalal shisheeye ah, waxaynuna ka warwareegaynaa inaynu marka hore ku guulaysano midnimo qaran oo aynu dadka oo dhan isu keeno midnimadooda iyo taageeradooda.

Kayse Muuse Gaas, Laascaanood

WAADIGA CIYAARAHA

Ciyaartii Shalay ee Dhexmartay Awdal iyo Saaxil oo ku Dhammaatay 2-2

 

Hargeysa (Haatuf): Tartankii ciyaaraha gobolada Somaliland ee maalmahanba ka socday garoonka Hargeysa Stadium ayaa shalay waxa ku kulmay Gobolada Saaxil Iyo Awdal oo labaduba hore uga soo badiyay Gobolka Sool waxaanay iskaga horyimaadeen ciyaartii u dambaysay wareegii hore ee ciyaaraha Gobolada Somaliland.

Markii ay ciyaartu bilaabantay waxay ku bilaabantay dar dar iyo weerar ba’an oo ay muujiyeen ciyaarta qaybteedii hore ciyaartoyga ku ciyaarayay magaca gobolka Awdal hase yeeshee uma suurta galin in ay ciyaarta qaybtii hore wax goolal ah dhashadaan waxaanu siidhigu dhacay iyadoo aanay qolana waxba dhalin.

Markii ciyaarta qaybteedii labaad laysku soo rogaal celiyay waxa weeraro kulkulul ku qaaday goolka Gobolka Saaxil Kooxda ku ciyaaraysay magaca Gobolka Awdal kuwaas oo dhawr jeer sigay inay gool dhashadaan  taasoo suurto galisay inay daqiiqadii 13aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ay goolkii ugu horeeyay ay dhashadaan Kooxda Gobolka Awdal waxaana shabaqa Kooxda Saaxil ku hubsaday ciyaartoyga Awdal u qaata lambarka 7aad Muxyadiin Xasan Dhamac, markii ay ciyaartu socotay minutkii 15aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa waxa kubad si fiican ula galay goolka gobolka Awdal ciyaartoyga sitay lambarka 14aad ee Kooxda Saaxil kaas oo ay ku xanaaqadeeyeen diilinta 18aad dhexdeeda taas oo sababtay in Rigoore loo dhigo Kooxda Gobolka Saaxil kaas oo uu u laagay goolhayaha gobolka saaxil Maxamed Suudi oo daba mariyay goolhayaha gobolka Awdal, taas oo ciyaartii ka dhigtay gool iyo gool. Hase yeeshee daqiiqadii 21aad ee ciyaarta ayay gobolka Awdal heleen goolkii labaad, goolkaas oo uu madaxa ku dhaliyay C/laahi Siciid taas oo ciyaartii ka dhigtay in ay gobolka Awdal ku hogaamiyaan 2-1 gool.

Markii ay ciyaartu halkaa maraysay ayaa waxa sii kordhay weerarada ay qaadayeen labada kooxoodba taasi oo sare u qaaday  saxanka iyo qaylada taageerayaasha labada kooxood.

Waxay socotaba markii ay ciyaartu maraysay daqiiqadii 40aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa Kooxda gobolka Saaxil labaystay oo ay dhashadeen goolkii labaad uu u dhaliyay inanka uga ciyaara lambarka 10aad Xuseen Cabdi (Ticidh).

Aakhirkiina Ciyaartaasi waxay ku soo gebgebowday barbar dhac iyadoo ay labada kooxoodba u soo bexeen wareega labaad ee ciyaarta. Waxayna la kala ciyaari doonaan Gobolka Hargeysa oo  derejada  (A) ku soo baxday  guruub (A) waxay ku beegantay Awdal oo ku baxday derejada (B), kaga soo baxday (B) Saaxilna waxay ku beegantahay Togdheer oo derejada(B) kaga soo  baxday guruubka (A).

Waxana  hadhay wareegii hore ee ciyaaraha gobolada Somaliland Gobolada Sool Iyo Sanaag.

Ujeedadii Ciyaaraha Gobolladu Sidan May Ahayn

 

Annagoo ah muwaadiiniin Somalilanders ah, waxaanu aad iyo aad u dhaliilaynaa wasaaradda qaban-qaabisay ciyaaraha gobollada ee kubadda cagta iyo orodada, sababta loo qaban-qaabiyay oo ahayd macnaheedu farxad abuuris dhinaca dhallinyarta ah iyo horumar xagga is-dhexgalka bulshada. Balse maxay noqotay maan fiirsashada fara badan ayna xilba iska saarin maamulka, taas oo ay dheerayd wasaaraddii inay boos ka maqnaato.

Markaa ma waxay ku talogaleen in sidii uu doono shaqeeyaa, weliba sida calan-walaha, siidhi-walaha iyo inta miiska juuriga metelaysay wasaaradda ciyaaraha.

Intaa kabacdi haddii aan u soo noqdo dulucda hadalkayga, tusaale ahaan dhallinyarada gobolka Awdal oo ka amba-baxday caasimadda Hargeysa, waxaa is-weydiin leh waxay uga tageen? Qaladkaas oo ah mid aan halkani ku soo koobi karaynin, waxaa nagala kulmay caddaalad-darro aad u fool-xun. Tusaale ahaan waxaa dhacday in caddaalad uu ku wada daayey inuu damcay inuu xado kabihii ciyaartoygu ay ku ciyaari lahaayeen oo suuqa laga qabtay, calan-walaha wax nalooga qabtay ma jirto, iskii ayaa calan-wale nalooga dhigay. Gebogebadiina caddaal,adu ma taasaa?

Annaga oo mahad-naq u soo jeedinayna shacbi-weynaha reer Hargeysa oo aanaan wax eed ah ka sheeganaynin walaalahayaga reer Somaliland ee kale, waxaan u soo jeedinaynaa in laga tashado wixii inoo dan ah iyo wixii aan horumar ku gaadhi lahayn.

1.       Maxamed C/Laahi Caamir

2.       Amiin X. Cige Aadan

3.       C/Raxmaan Cumar Cige

4.       C/Laahi Siciid Nuur

5.       Sahra C/Laahi Ciil Tire.

Si Fiican Ayaa Naloo Matri-Geliyay, Raalina Waanu ka Nahay

 

Anigoo ku hadlaya magaca xulka gobolka Saaxil, waxaan u hambalyaynayaa wasiirka iyo guddiga qaban-qaabada ciyaaraha dalka Somaliland, oo 24/9/2002, ka furmay caasimadda Hargeysa, mana jirto wax saluug ah oo aan ka muujinayno jiifka iyo cuntooyinka loo qorsheeyay gobollada oo aanu kala mid nahay gobollada kale. Sidoo kale, waxa ammaanan lixda guddoomiye-goboleed oo gacan weyn ka siiyay wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha in ay suurtogeliyaan tartanka noocan ah, laguna miisaamayo Nabadgelyada guud ee dalka.

Waxa aan ku soo gunaanadayaa nuxurkayga, waxa keliya oo aan guul tirsanayaa in aan aniga iyo ciyaartoyguba barasho la wadaagno in ka badan lixda gobol ee dalka, ammaanteedana ay leedahay wasaaradda u xil-saarani.

C/xakiin Aadan Ismaaciil,

Tabobaraha xulka Saaxil.

Dalalka Galbeedka Afrika Oo Ciidamo U Diraya Ivory Coast

 

Akra (W. Wararka): Madaxda dalalka galbeedka Afrika ee xubnaha ka ah ururka ECOWAS ayaa go’aansaday inay ciidamo nabad ilaalina u diraan dalka Ivory Coast oo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dawladda iyo falaagada gadoodsan oo ku fashilmay inay inqilaabaan dawladda ka dib markii ay isku dayeen inqilaab dhicisoobay Ka dib markii ay shir aan caadi ahayn iskugu yimaadeen caasimada dalka Ghana ee Akra madaxweynaha dalka Siniigaal Cabdala Waade oo ah xiligan Gudoomiyaha Madaxda dalalka galbeedka Afrika ayaa sheegay in Ciidamada ay qorsheeyeen in loo diro dalka Ivory Coast ay degdeg u tagi doonaan halkaasi marka ay xidhiidh la sameeyaan falaagada hubaysan oo haysata qayb ka mid dalkaasi. Waxaanu intaa ku daray in ay sidoo kale Ivory Coast u diri doonaan kaalmo dhinaca samofalka ah si ay waxtar uga gaystaan dhibaatada ay keeneen dagaadu.

Mar uu Cabdala Waade ka hadlayay ujeedada ugu weyn ee ay fulinyaan Ciidamada ay dirayaan waxa uu sheegay inay tahay sidii  ay u kala dhexgali lahaayeen Ciidamada labada dhinac ee isku haya talada iyo inay dhiiri galiyaan sidii ay wada hadalo u yeelan lahaayeen balse wuxuu meesha ka saaray inay ciidamadaasi gacan siinayaan Ciidamada dawladda. Ururka ECOWAS waxa xubno ka ah 15 dal oo ku yaalla galbeedka Afrika.

Ka talaal caruurtaada cudurka qaaxada

Cudurka qaaxada oo u kala baxa laba nooc waa cudurka koowaad ee ugu faafista balaadhan dalka Somaliland. Cudurkan oo ku dhaca sambabada waxa uu ku dhacaa caruurta iyo da’kastaba.

Dr: C/raxmaan C/laahi oo ah agaasimaha waaxda ka hortagga cudurada faafa iyo daryeelka cudurada aasaasiga ah ayaa shaaca ka qaaday in goobaha daryeelka caafimaadka ee dalka ku yaal lagu daweeyo dad u dhashay oo qaba cudurkaa iyo kuwo kala yimi ka kala yimi dalalka aynu deriska nahay.

Waxa dalka ku yaal 7 goobood oo lagu daweeyo cudurka qaaxada, tiro koob ku saabsan dadkii goobahaa tegey ee lagu daweeyey iyo baadhitaanadii lagu sameeyey dadka taga ayaa lagu ogaaday in:

 -1995-kii ilaa 2001 ka muuqday calaamadaha 2223.

-1995/2001 qabey TB-da sambabka 8930.

-1995/2001, TB-da meelaha kale ku dhacda (Extra Pluminatery), 2200.

Dr: C/raxmaan wuxuu yidhi “Dadkan waxa ka badan, kuwa aan awoodda u lahayn inay soo gaadhaan xarumaha oo u badan Reer miyi”.

Cudurkan oo lagu tilmaamo cudur danyarta ku dhaca ayaa agaasimuhu inay nafaqadu kaalin weyn ka qaadato, wuxuuna yidhi “cudurkan Somalidii hore in nafaqadu kaalin weyn ka qaadato daawayntiisa oo qofka qaba waa la buullayn jirey , waagaa xoolaha ayaa badnaa, waxaana qofka lagu daawayn jirey meel ka baxsan degaanka”.

Cudurkan oo xumad, qof ka badan laba bilood oo joogta ah, dhidid habeenimo iyo culayska qofka oo isdhima waxa uu si fudud ugu fidaa meelaha uu heerkooda nadaafadeed aad u hooseeyo iyo meelaha cidhiidhiga ah.

Dr. C/raxmaan C/laahi waxa uu sheegay in cudurka fidistiisu ay fududaynayso saableyda lafteeda, isaga oo ka hadlaya dabayaaqadii Qarnigii labaatanaad ayaa waxa uu sheegay inay soo if-baxday nooc cusub oo jeermiska TB-da ah, wuxuuna yidhi “Hayadda WHO waxay bilowday olole dheer oo ay kula dagaalamayso jeermiska noocan cusub ah oo awoodda uu leeyahay ay sabab u ahayd qofka oo aan si joogto ah u qaadan daawada iyo mudadii daawada loogu talo galay oo aanu dhamaysan, waxaana la bilaabay in awoodii daawooyinka la xoojiyo, isla markaana goob caafimaad lagu siiyo qofka, waana lagu guulaystay taa.

Adeegyada daawaynta cudurka TB-da inkasta oo ay wanaagsan yihiin, haddana ma aha kuwo bulshada ku fillan, Isbitaalka Hargeysa oo isu dhami ah, gacana ay siiso hay’adda Kuwait Relief waa ka ugu weyn dalka, Isbitaalka Booramena waa mid aad u wanaagsan. Burco, Berbera iyo Gebilayna Isbitaalada qaaxadu si fiican bay u shaqeeyaan, waxaana daawada TB-da oo qaali ah ku deeqday hay’adda Caafimaadka ee WHO.

DR: C/raxmaan, isaga oo tusaale ahaan u qaadanaya Qaaradda Yurub dagaalkii labaad ka bacdi in xakamaynta cudurkan ay kaalinta ugu weyn ka qaadato heer nololeedka oo kor loo qaado (70%), dawo qaadashaduna ay ahaato 30%, iyadoo nadaafadda iyo fahamka dadka ee cudurkani kaalin weyn ka qaadanayaan wuxuu yidhi “Wacyiga dadka cudurkan qaba oo kor loo qaado kaalin weyn ayey ka qaadan karaan xakamaynta faafidda cudurka TB-da.

Xidhiidhka ka dhexeeya TB-da iyo HIV/ Aids, isaga oo ka hadlaya wuxuu diktoorku yidhi “Cudurka dilaagga ah ee HIV/Aids wuxuu baabi’iyaa difaaca jidhka, jeermiska u horeeya ee markaa ogaada ee waxyeelo ku bilaabaa waa TB. Cudurka TB-du wuxuu kordhay markii uu soo shaac baxay cudurka dilaagga ah ee HIV/Aids. Dad badan waxa la ogaaday inay Aids qabaan, iyadoo laga dawaynayo TB”.

Bulshada waxa looga baahan yahay inay ogaadaan in cudurkani ku faafsan yahay dalka iyo inuusan ahayn sida ay dad badani qabaan ama hawl-wadeenada caafimaadka dadka ugu sheegeen in TB-du tahay dhaxan ku dhacda dadka.

DR: C/raxmaan waxa uu yidhi “Daawaynta TB-du waa mid fudud, dhaxana lagama qaado, waa mid qof walba iyo da’ walba ku dhacda, waana mid si degdeg ah looga bogsan karo hadii dawada si fiican loo qaato, nadaafadana lagu dedaalo, qofka qabaa waa inuu had iyo jeer diyaar u ahaadaa inuu dadka kale bad-baadiyo, isaga oo u meel deyaya meesha uu ku tufayo”.

Agaasimaha waaxda ka hortagga cudurada faafa waxa uu ka digay fekradda dhaxanta iyo sida loogu xidhiidhiyo in dhaxanta laga qaado TB-da, wuxuuna tusaale ahaan u soo qaatay dadka maalin cad qoraxda oo kulul koodhadh waaweyni sita ee leh dhaxan baa I gashay ooTB baa igu soo socota.

Talaalka TB-da ee caruurta la siiyaa sannadaha hore ee noloshooda waxtar weyn ayey leedahay ee Talaal caruurtaada.  

Sheeko Taxane Ah:

Quruxdeedaa Sababtay Qalalaasaha Nolosheeda

Q: 5aad- Cumar Japan

 

Amuun oo aan jawaabta meel fog ka doonin ayaa tidhi; “Saaxiib sownigii hore kuugu sheegay, dee intuu ku eegayay ayuu sallaanka lugta la waayay, jawaabtii ay Luul u celin lahayd saaxiibadeed Amuun, waxaa soo dhexgalay nin ka mid ah ragga suuq-jooga ah oo aan ka fogayn halka uu ninku ku kufay iyo halkay marayeen labada hablood oo ul iyo faraha intuu xaggooda u soo taagay leh, maxaad isla lulaysaan, bal eeg ninkaasi intuu idin eegayay waxa ku dhacay. Ereyadaas ayaa keenay inay Luul iyo Amuun, tallaabada hoosta ka xadaan, inta aan dhawaaq kale kaga soo yeedhan dhinac kale, sida dhacda inta badan faras-magaalaha magaalooyinka oo dadku u dhago-nugul yihiin ku buuqa iyo tarminta hadalka.

Mooge Asraar ayay xaaskiisii Siraad ku wargelisay in dhinaca reer Goohe Guuleed ay dhinacooda ka yihiin diyaar arrintii Najiib Cali Madhaafaan ee Luul.

Mooge Asraar farriin ayuu u dhigay guriga reer Cali Madhaafaan in gelinka dambe uu Najiib soo maro Mooge.

Najiib ayaa helay farriintii Mooge, waxaanu ugu tegay gurigiisa gelinkii dambe.

Cawo Rabi, oo Najiib hooyadii ah, horena u dareentay in Najiib uu arrin ka damacsan yahay guriga reer Mooge Asraar ayay arritna farriinta Mooge ee kulanka gelinka dambe ah ay u sii xaqiijisay in uu Najiib oo la ogyahay inuu guur-maagane yahay, magaca Luul oo ay hore uga maqashay inankeeda iyo Cawo oo ogaaday in inanta Luul la yidhaa ay habaryar u tahay Siraad Sugaal. Waxayse Cawo goosatay inaanay kahortegin ee ay sugto bal maalmaha soo socda wixii ka soo baxa Najiib iyo reer Asraar.

Najiib iyo Mooge, ayaa gelinkii dambe ku kulmay guriga Mooge, kulankaas oo dhacay gelin dambe oo Jimce ah. Maalintaas sidii hore u dhici jirtay Luul may iman guriga habaryarteed Siraad ee reer Mooge Asraar, sababtuna waxay ahayd Luul oo ay ku soo korodhay il-nuglaan iyo khajilaad arrinta rabitaanka uu Najiib Mooge doonayo inuu ku guursado awgeed.

Siraad Sugaal, ayaa maalintaa u qaabishay si aad uga duwan sidii hore Najiib, waxaana ka muuqday soddohnimo, xaqdhawr, iyo soo dhaweyn dheeraada. Jewigaas uu dareemay Najiib markii uu yimid guriga reer Mooge Asraar, taas oo Najiib u noqotay hordhac uu u badiyay jawaabtii uu ka sugayay Mooge Asraar, u dhacday dhinacii ay Najiib laabtiisu jeclayd.

Mooge wuxuu ku wargeliyay Najiib, in arrintuu u diray uu uga sido jawaab loo diyaar yahay Najiib in la siiyo Luul Goohe, waxaanu hadalka Mooge u badnaa inuu Najiib ka doonayo in uu si gobonimo leh uu u agaasimo kulanka fadhi ee loogu fadhiisanayo Luul. Najiib wuxuu tibaaxay in inkasta oo uu dhaqaale ahaan isagu diyaar u yahay fulinta arrintaa in haddana uu wargelinayo aabihii Cali Madhaafaan oo uu hadalka ku daray in Cali Madhaafaan uu aad ula jecel yahay inuu guursado.

Ugu dambayn, Najiib iyo Mooge, ayaa ka ballamay inuu Najiib Mooge ugu tago Berbera, haddii loo baahdo in arrinta laga dhigo toddobaadka soo socda gudihiisa.

Cawo Rabi oo guriga ka furtay inankeeda markii ay fadhigii soo dhammaysteen, ayaa markii uu Najiib albaabka dhaafay iyada oo Cawo albaabka sii xidhaysa kasii daba-tuurtay; “Hooyo Najiib, dee iminka waad soo dhowaatay oo gurigan reer Mooge ma dhaaftid, Allow khayr ka dhig,” ayay raacisay Najiib hooyadii.

Najiib oo fahmay in ereyadaa hooyadii ay yihiin duur-xul ayaa yidhi; “Haa hooyo.” Kadib wuxuu fadhiistay qolkii fadhiga, halkaas oo uu ugu sheegay hooyadii arrin ay marka horeba dareensanayd, oo ah inuu Najiib doonayo inuu guursado Luul, reerkoodana weydiisto.

Najiib iyo hooyadii, arrinkaa way isla garteen, waxaana lagu heshiiyay in mid walba dhinaciisa ugu badhigo odayga reerka Cali Madhaafaan oo ay labadooduba hubeen inuu arrintaa ku raacayo.

Najiib, ayaa toosay salaadii, isaga oo aabihii quraacda kadib ay isla garteen inay is raacaan. Najiib iyo Aabihii Cali Madhaafaan, waxay yimaadeen Hotel Union ee Hargeysa qaybtiisa fadhiga gelinka hore, ee cabitaanada uu shaahu ka midka yahay.

Intii ay laba koob oo shaaha cabbayeen ayuu Najiib u dhammaystiray qorshihiisa guur iyo inuu arrinta ku garab-galay Mooge Asraar oo ay isku reer yihiin iyo xaaskiisa Siraad Sugaal oo inanta uu guursanayo habaryarteed ah.

Cali Madhaafaan oo inankiisa la guddoonsaday guurka Luul, ayaa u raaciyay inuu kula dardaarmayo inuu dhawro oo uu ku fara-adaygo qoysnimada ay dhisayaan, isaga oo u sheegay in Najiib uu fuulayo xil u baahan dul-qaad, deggenaan iyo mas’uuliyad qofeed oo la doonayo in uu aad u dhawro xuquuqda iyo xaqeeda oo uu noqdo hoggaamiyihii qoyska, waayeelnimana uu muujiyo. Cali Madhaafaan wuxuu inankiisa intii badnayd ee maalintaas uu u gudbiyay waayo-aragnimadiisa arrimaha haweenka iyo guurka.

Ugu dambayn, Najiib iyo aabihii waxay go’aansadeen in Jimcaha soo socda uu isu baro Goohe Guuleed iyo Cali Madhaafaan, si ay uga ballamaan arrinta doonista Luul ee Najiib Cali Madhaafaan. Najiib oo isagu ah nin kaarka u badani hayay karkii kusii kululaaday marka la gudo-galay arrinta Luul, wuxuu goostay in uu maalinta Arbacada u amba-baxo dhinaca Berbera, si ay u soo raacaan Mooge Asraar, sababta uu Najiib taa u goostay waxay ahayd iyada oo inta badan uu Mooge soo dhaadhaco Khamiista, haddiise ay dhici karto bil nasiib inuu Jimcahaa iska joogo Mooge, inkasta oo ay isku ogaayeen farriin ii soo dir wixii Jimcaha ka horreeya, haddii ay arrintu dhammaato.

Tan iyo intii uu Mooge Asraar u sheegay Najiib arrintii Luul in ay dhantahay wuxuu Najiib ku jiray jewi farxaanimo ah oo uu dareemayo fur-furnaan. Arrintaa waxaa aad u sii dareentay Najiikb hooyadii Cawo Rabi oo aad ugu faraxsan jewiga isbeddelay ee inankeeda oo maalmaha marka uu guriga soo galo, la soo galo farxad, fur-furnaan iyo Cawo oo qalbigeedu raali ka noqday sida uu uga baydhay Najiib wer-werkii ay ka qabtay ee ahaa in uu Najiib waqtigu kaga lumo halacsiga iyo waqti-gaabsi dhinaca jiilka hablaha ah.

Siraad Sugaal, ayaa ku tallaabsatay inay is-barto walaasheed Quman Sugaal iyo Cawo Raabi oo ah hooyooyinka labada qoys ee reer Goohe Guuleed iyo reer Cali Madhaafaan. Siraad Sugaal waxa kale oo ay ka aqbashay Cawo Raabi, inay isu raacaan guriga reer Goohe Guuleed, si ay u soo aragto, una soo barato gabadha uu inankeedu guursanayo ee Luul, arrintaas oo ay suurtogelisay Siraad Sugaal.

Aragti kadib, Cawo Raabi, way la dhacday dookha inankeeda marka la eego qurux, da’ yaraan iyo sida ay u dhaqan yihiin qoyska ay ka dhalatay Luul, intaa waxaa u dheerayd Cawo, sidii asluubta iyo waalidnimadu ka muuqatay ee ay Luul ugu soo dhaweysay gurigooda, kadib markii ay halkaa wada tageen Cawo iyo siraad oo ah Luul habaryarteed.

Cawo Raabi, waxay qirtay inuu inankeeda Najiib ka soo xushay hablaha tii ugu sarraysay intii ay indhaheedu arkeen, iyada oo Cawo la kaftamaysa inankeedana waxay tidhi; “Hooyo Najiib, ma cid kalaa kuu soo aragtay mise aduunbaa arkay.”

La soco maalmaha Axadda, Isniinta, Salaasada, Arbacada iyo Jimcaha.