Haatuf News

Issue: 172                                 Date: 2 October 2002

Badheedhaha Wargeyska

Qaran Baan Doonayaa Iyo Degmadii Qolodayda Meel Ma Wada Galaan

 

Qaran (Nation) Waa hab-maamulka casriga ah ee salka u ah nidaamka dawladda ee ay ku dhaqmaan dadyowga adduunku, waxaa uu beddelay nidaamyo ka horreeyay oo ku dhisnaa qaabab kale, sida qabiil, midab, diin, hanti iwm.

In la sameeyo nidaamka qaranimada waxaa sababihii keenay ka mid ahaa dhibaatooyin lagala kulmay qaab-dhaqanadii maamuladii jiray ee ka horreeyay qaranimada.

Qaranimo waxay simaysaa sharci ahaan, dhammaan muwaadiniinta u dhashay qarankaas, iyada oo loo eego sifo qabiil, midab, diin, hanti iwm. Waa haddii loogu dhaqmo siday tahay.

Ma jirto sharciga qaran, muwaadin ay noloshiisu sharci-darro kiu tahay gobol, degmo, iyo tuulo ka mid ah dalkiisa, Intaa waxa dheer, wuu degi karaa ka shaqaysan kara dhammaan dhulka ku yaal dalkaas uu u dhashay.

Arrintaa marka aynu maskaxda ku hayno ee inta badana dadka u dhashay Somaliland ay doonayaan qaranimada Somaliland, haddana waxaa jirta ficliyan dhaqan jira oo ay dad badani ku kala qaydanayaan degmooyinka iyo gobollada Somaliland, oo ay ku tilmaamayaan sidii ay degmooyin qabiilo leeyihiin. Arrintani waa ta salka u ah dhibaatooyinka ka jira meelaha qaar Somaliland, oo mararka qaar halis-gelin kara nabadgelyada.

Haddii ay dhab tahay in rabitaanka dadka reer Somaliland uu yahay qaran, waxaa meesha soo gelaya in gobollada loo aqoonsado gobollo qaran, degmooyin qaran iyo dhul qaran. Arrintani waxay meesha ka saaraysaa, balo maagane doonaya si uu dhibaato u abuuro oo uu ku soo gabado magaca qabiil, kadibna abuuro waxyeelo ka weyn waxa uu qabiilka ku hawlgaliyay ee ah waa la idinka haystaa.

Way adagtahay inay diiwaan waada galaan ilaalinta dano qabiil iyo dhismaha qaran, waana arrinta dalbaha u yeesha dhidibo u taaga qaranimada oo hore loo ogaaday inay ka waafisan tahay, horumarka dadkana uga dhowday nidaamka uu qof ka dhigto halbeega noloshiisa qabiilka.

Waxaa dhici karta in dadka qaar ay qoraalkan u arkaan mid dhinac marsan xaqaa’iqa jira, oo uu yidhaa ma qabiil baa laga tegayaa. Balse qabiilka haddii loo adeegsanayo nuglaynta qaranimada, dabcan waa in la tilmaamaa waxyeeladiisa, macnuhuna waxa weeyi, qaranimada adkaynteeda ayay ku lid tahay qabyaaladu, markaa aan horreysiino taabo-gelinta qaran, si qabaa’ilka ku nooli ay u helaan dawlad dammaanad-qaada danahooda laakiinse yuu jiritaanka qabiil  noqonin waddada ay danahooda iyo xumaan-abuurku u adeegsadaan shaqsiyaadka aan faa’iida iyo horumarka ku soo kordhin nolosha dadkooda ee dantoodu ay tahay jihee oo ku danayso.

Haddii uu qabiilku isu kaashanayo dhismaha iskuul, dhakhtar, wado, ceel ay biyaha ka cabaan, wado gaadiidku maro, caawinta kooda jilicsan, ka shaqanta nabadgelyo, kahor-tagga wixii xun, markaa qabiilku wuxuu noqonayaa mid caawinaya qaranimada oo u shaqeeyay dhinicii wanaagsanaa.

Diiwaanka mar ma wada geli karaan qaranimo iyo qabiil, inoo doora ka aan daryaalka u badino.

Aniga waxay ila tahay aan qaranimada bahaysano oo ku walaalowno, sharciyadeedana ku dhaqano.

Wararka Dibadda

Madaxweynaha Maraykanka oo Qalinka Ku Duugay Sharci Quddus U Aqoonsanaya Caasimadda Isra’il

Washington (W.Wararka): - Madaxweynaha Maraykanka George W. Bush, ayaa maalintii shalay saxeexay qaanuun cusub oo magaalada barakaysan ee Qudus u aqoonsayo inay tahay caasimadda rasmiga ah ee Isra’il, kaas oo qayb ka ah siyaasadda cusub ee arrimaha dibedda oo ay u soo gudbiyeen Congress-ka Maraykanku.

Sida uu sheegay af-hayeen u hadlay guriga cad ee looga taliyo Maraykanka, qaanuunkan cusubi waxa uu yahay siyaasadda arrimaha dibeda ee Maraykanku ay ku soconayso sannadka soo socda ee 2003. kaas oo uu haatan saxeexay madaxweynuhu, sidaana dhaqan-gal ku noqonaya.

Balse, uu war uu soo saaray madaxweyne Bush ayuu ku sheegay in aanay is-beddelin siyaasaddii iyo mawqifkiisii hore ee uu ka lahaa arrinta Qudus, taas oo ahayd in ay xal u helidda muranka Qudus ay ku xidhan tahay wadahadallo ay ka yeeshaan madaxda Isra’il iyo Falastiin. Isaga oo intaa ku daray in saxeexiddiisa qaanuunkan cusubi aanay taa waxba ka beddelayn, meel ka dhacna uu ku yahay awooddiisa arrimaha dibedda uu u leeyahay wixii laga beddelayana ay tahay inuu isagu waafaqo.

Qaanuunkan hadda soo baxay kahor, dawladda Maraykanku dhawr jeer oo hore ayay ku hanjabtay inay safaaradeeda ay ku leedahay Isra’il ay u rarayso Qudus, oo ay u aragto caasimadda Isra’il, balse kolba dib ayay u dhigaysay, iyada oo ay cabsi geliyeen dareen cadho leh oo ka soo baxay dalalka Carabta iyo kuwa islaamka oo Qudus u arka caasimadda dawladda Falastiin, marka ay madax-bannaanideeda qaadato.

 

Dooni siday 1000 Qof oo Ku Qaraqantay Xeebta Siniigaal

Dakar (W. Wararka) Ugu yaraan 950 qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen ka dib markii ay dooni rakaab sida ku qaraqantay xeebaha dalka Sinigaal. Doonidan oo ay saarnaayeen dad 1034 oqf masuuliyiinta Sinigaal waxa ay sheegeen inay ilaa iyo hadda suurto gashay in la badbaadiyay 64 qof ilaa haddana ay socoto dadaalka loogu jiro badbaadinta iyo baadi-goobka dadka lala’yahay.

Hawlo gurmad ah oo ballaadhan ayaa ka socda xeebta Sinigaal halka ay ku degtay doonida Qaraqantay iyadoo ay hawlaha badbaadinta ku hawlan yihiin ilaa 400 oo qof iyo doonyaha loogu talo galay badbaadinta dadkaa ay badu liqdo.

Madaxweyhana Sinigaal Cabdala Waade ayaa ku balanqaaday in dhacdadan lagu samayn doono baadhitaan buuxa.

Kooxaha badbaadinta ayaa rajo ka qaba in la badbaadiyo dad kale oo nool, iyadoo ay dadka doonida saarnaa u badnaayeen dad u dhashay Sinigaal iyo Gambiya balse waxaa ka mid ahaa tobanaan qof oo u dhashay Yurub.

 

Ciraaq Oo Dawladda Turkiga Uga Digtay In Dalkeeda Laga Soo Weeraro

Ankara (W. Wararka) Dawladda Ciraaq ayaa uga digtay dalka Turkiga in dalkeeda loo isticmaalo Saldhigyo weerar lagaga qaado taasoo ay ku tilmaantay mid xumaynaysa xidhiidhka labada dal ee jaarka ah isla markaana halis galinaysa xasiloonida gobolka.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Ciraaq Daariq Casiis, oo haatan booqasho ku maraya Dalka Turkiga oo uu wadahadalo ku saabsan xaaladda Ciraaq iyo Maraykanka u dhaxaysa kula leeyahay masuuliyiinta dalkaasi. Dhinaca kalena qaramada midoobay ayaa ku gacan saydhay dalab ka soo yeedhay Maraykanka oo ah in dib loo dhigo muddada ay dib ugu laabanayaan Ciraaq Baadhayaasha hubku.

Dalabkan oo kasoo yeedhay Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka kaasoo ay ku doonayaan in la xoojiyo awooda ay Baadhayaasha hubku ku taagayaan Ciraaq iyo in khasab lagaga dhigo fulinta arrintani, taasoo muran ka dhexdhalisay dalalka xubnaha ka ah Golaha amaanka ee qaramada midoobay.

Arrimahani waxay ku soo beegmeen iyadoo ay ka socdaan magaalada Viena wadahadalo u dhaxeeya Ciraaq iyo qaramda midoobay kaasoo ku saabsan sidii ay Baadhayaasha hubku ugu noqon lahaayeen Ciraaq.

Wararka Gudaha

Dawladaha Reer-Galbeedka Oo Markii U Horraysay Taageero Siyaasadeed U Muujiyay Somaliland

Nairobi – Dawladaha reer-galbeedka ayaa markii ugu horraysay qaddiyadda Somaliland ka dhex-saaray arrimaha Somalia, waxaanay tixgelin u muujiyeen qaranimada dalka Somaliland iyo rabitaanka dadkiisa ee ah qarna madax-bannaan.

Mawqifkan aanh hore u dhicini wuxuu ka soo baxay shir-jaraa’id oo ay wakiilada dalalka reer-galbeedka u fadhiya caasimadda Kiiniya ee Nayroobi kaga hadleen arrrimaha shirka dib u heshiisiinta Somaliya, oo badhtamaha bishan October lagu wado inuu ka dhaco dalka Kiiniya.

Diblomaasiyiintaasi waxay ku sheegeen shirkaa jaraa’id in mawqifka Somaliland ee ah inaanay ka qaybgelin shirkaasi uu ka mid yahay tixgelin, isla markaana ay qadarinayaan rabitaanka shacbiga Somaliland, ee ah in ay noqdaan qaran madax-bannaan. Waxaanay caddeeyeen inay dawladda Somaliland tahay ta keliya ee meteli karta shacbiga reer Somaliland, iyaga oo u quus-gooyay cid kasta oo Somaliland u dhalatay oo hunguri ka hayay in ay ka qaybgasho shirka Nayroobi, sidii ka dhici jirtay shirarkii dib u heshiisiinta Somaliya ee hore loo soo qabtay.

Sida ay diblomaasiyiintaasi ku sheegeen shrikaa jaraa’id, mar ay ka wada-hadlayeen arrintan, waxa ay caddeeyeen inay tixgelinayaan mawqifka Somaliland ee ah, inaanay ka qayb-gelayn shirka Nayroobi iyo inay Somaliland u arkaan qayb ka mid ah dalkii Somaliya, balse madax-bannaani raadinaysa. Sidaa darteed, waxa ay caddeeyeen in aan la oggolaanayn in ay shirkaa ka qaybgasho cid sheeganaysa inay metesho Somaliland, haddii aanay soo wakiilan dawladda Somaliland.

Diblomaasiyiinta oo si guud uga warramayay hawlaha shirkaasi iyo qaban-qaabadiisa, waxa ay sheegeen inuu haysto taageero caalami ah, ilaa iyo haddana la isu keenay kharash loogu talogalay qabashada shirka. Dalalka ay xuseen inay lacag ku deeqeena waxa ka mid ah Midowga Yurub oo bixiyay 500,000 oo Euro, Jarmalka oo bixiyay 750 Euro, Maraykanka oo bixiyay 100,000 oo dollar, isaga oo isla markaana ballan-qaaday 250,000 oo dheeraad ah, Ingiriiska oo isna bixiyay 25,000 oo gini, Jaamacadda Carabta oo bixisay 50,000 oo dollar iyo Talyaaniga oo ballan-qaaday kharashka ku baxaya isku-duwida iyo socodsiinta hawlaha shrika.

Iyaga oo ka hadlayay ka qaybgalka shirka Nairobi, waxa ay sheegeen in cadaadis la saari doono ciddii aan ka qaybgelin shirka, waxaanay soo xigteen go’aan arrintaa ku saabsan oo ay dalalka Midowga Yurub hore u gaadheen.

Mar ay ka hadlayeen qaabka qabashada shirka, waxa ay sheegeen in loogu talogalay inuu noqdo dhawr marxaladood oo kala duwan, iyada oo qaybta koowaad ay noqonayso ogaanshaha sida diyaarka loogu yahay ka qaybgalka shirka, qaybta labaadna ay guddiyo gaar ahi hufi doonaan qodobada lagu heshiiyo, qaybta saddexaadna lagu ansixin doono qaabka lagu heshiiyo, qaybta afraadna lagaga doodi doono qaabka awooda loo qaybsanayo. Geedi socodkana waxa ay sheegeen inuu socon doono ilaa sannadka soo socda.

Diblomaasiyiinta oo ka hadlaya tirada loo qoondeeyay inay shirka ka qaybgalaan, waxa ay tilmaameen in ay ka qaybgeli doonaan dad gaadhaya 300 oo qof, kuwaas oo 200 ay ka socdaan ururada siyaasadda, 100 qofna ay ka socdaan bulshada rayidka ah.

Iyaga oo ka hadlayay maamulka C/qaasim, waxa ay sheegeen in la dhisayo dawlad ka sal-ballaadhan, kana cimri dheer, si loo helo dawlad loo dhan yahay.

Mar ay ka hadlayeen Diblomaasiyiintu sababta haatan ahmiyadda loo siinhayo shirkan, waxay sheegeen in uu hormood ka yahay ururka IGAD, lana doonayo inay meesha ka baxdo cabsida ah, inay Somaliya hoy u noqoto argagixisada.

Ugu dambayna, waxa ay beeniyeen in la sii xulay ciddii Somaliya madax ka noqon lahayd, taas oo ay tilmaameen in ay u taal dadka Somaliyeed.

Safiirka Masar Ee Nairobi Oo Dalka Booqasho Ku Yimid

Hargeysa(Haatuf): Safiirka Masar u fadhiya caasimada Kiiniya ee Nairobi islamarkaana qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Salaax Xaliima ayaa shalay booqasho rasmi ah u ku yimid dalka.

Safiirka oo ay socdaalkiisan ku weheliyaan masuuliyiin kale waxa ay booqashadiisu la xidhiidhaa xogogaal u noqoshada xaaladda Somaliland isagoo muddada uu dalka joogo wadahadalo la yeelan doona Madaxda Somaliland oo ay ka wadahadli doonaan arrimaha danta u ah xidhiidhka labada dal iyo guud ahaanba xaaladda ka taagan mandaqada geeska Afrika waxaana lagu wadaa in safiirka iyo weftigiisa uu qaabilo madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Safiirka iyo weftigiisa oo shalay galinkii dambe ka soo dagay Madaarka Hargeysa waxa ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Siciid Gees iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Somaliland.

“Hadii Ay Soo Karto Oo Aanu Dawladda Dhexe Jawaab Ka Weyno Waanu Ku Khasbanahay Inaanu Xal Gaadhno”

Burco (Haatuf) : Intiinii akhrisatay cadadkayagii shalay waxaanu idiinku soo gud-binay qaybtii hore ee waraysi uu dhowaan A.. Ducaale oo Haatuf ka tirsani maayarka Burco, Aadan Maxamed Mire kula yeeshay xafiiskiisa magaalada Burco, sidaa darteed waxaanu halkan idiinku soo gud-binaynaa waraysigaa qaybtiisa labaad, waxayna u dhacday sidan:

S: Maadaama aad tihiin dawladdii hoose ee magaalada adeegyada aasaasiga ah, sida waxbarashada iyo caafimaadka maxaad u qabataan ?.

J:  Waxay ahayd waxyaalaha aasaasiga ah inay dawladda hoose gacanta ku hayso, laakiin labadaa hawlood-ba (waxbarashada iyo caafimaadka) hadda waxay hoos tagaan labadooda wasaaradood, balse awoodda dhaqaale ayaa taa keentay, waanuse taakulaynaa, hase yeeshee dhinaca nabadgelyada culays badan baa naga saaran oo aad baanu gacan uga geysanaa, sida Shidaal bixin, gunooyin aanu bixino iyo waxyaalaha la midka ah.

S: Booliska Burco waxa lagu dhaliilaa inay ku liitaan gudashada adeegyada nabadgelyo, adigu intii xilka haysay taasi ma kuu muuqatay ?

J: Horta Boolisku waxa uu ka mid yahay hayadaha dawladda ee gobolka jooga, laakiin anigu wax gaar ah oo aan ahayn dhaliilo guud oo tamar daro dhinaca dhaqaalaha ah oo aan hadda si gaar ah u taabanayaa ma jiraan, oo masalan hadii booliska looga baahdo gurmad nabadgelyo xataa ma haystaan gaadiid ay ku gurmadaan ee anaga ama gobolka ayaa taas oo kale ka taakulayna.

S: Waxa la leeyahay xawligii aad maalmihii hawlaha u wadey hadda sidii hore way ka soo gaabiyeen , taasi ma jirtaa, hadii ay jirtose maxaa ugu wacan ?.

J: Haa way jirtaa, waxaana ugu wacan dhinaca dhaqaalaha, waayo culayskayagii dhaqaale waxa uu u leexday mushahar bixin, laakiin hadii uu mushaharkaasi naga fan-jeediyo waxaanu doonaynaa inaanu dib u xoojino adeegyadii anaga oo la kaashanayna dadweynaha.

S: Dadka qaarkood waxay leeyihiin maayarku mudooyinkan dambe waxa uu ku mashquulay arimo la xidhiidha olole siyaasadeed oo uu ururka UDUB magaalada ka wadey maalmihii ina dhaafay, sababta ay hawluhu u gaabiyeena waa sidaa, taasi ma jirtaa ?.

J: Horta aniga marka horeba waa la igagag fiican yahay dhinaca siyaasadda, qofka caynkaa yidhina waxaan u malaynayaa inaanu xog-ogaal ii ahayn, maxaa yeelay anigu waxaan ku mashquulsanaa sidii aan u hagaajin lahaa maamulka dawladda hoose iyo bilicda iyo nadaafadda magaalada iyo sidee baad u heshaa dakhli aad ama dhaqaale aad wax ku qabato, markaa waqtiba uma aan hayn hawlaha siyaasadeed ee aad sheegayso.

S: Waxa la ii sheegay inaad isu sharaxday maayarka magaalada, aadna iska sharaxday  ururka UDUB, taasi miyaanay jirin ?.

J: Way jirtey inaan is sharaxay, waxaana iska sharaxay xisbiga UDUB, doorashadayduna waxay ku xidhan tahay dadweynaha, musharaxnimadayduna ma ahayn wax u dhimay hawsha aan ummadda u hayo, kursigan marka aan joogana anigu dadka iyo ururada siyaasadaba waan u dhexeeyaa, inta aan kursigaa ku fadhiyona waxaan ku dedaalayaa inaan ummadda si cadaalad ah ugu adeego, taasna waxaan ugu danaynaysaa dadkayga iyo magaaladayda, mana ihi nin si gaar ah wax ugu qabanaya xisbiga aan ka tirsanahay ee waxaan wax walba ka hor marinayaa danta guud.

S: Had iyo goor ururada iyo kooxaha mucaaradka ahi waxay ku cawdaan inay maayarada iyo badhaasabadu ka tirsan yihiin ururka UDUB, taas darteedna aanay dhex ahayn, isla markaana aanay kala saarin hawshii ummadda iyo hawshii UDUB, markaa adigu ma is leedahay waxaad tahay nin ka soo dhalaali karaya inaad kala saarto masuuliyadda ummadda iyo hawsha UDUB ama ummadda dhex u noqon karaya ?.

J: Walaahay Axmedow anigu meesha uma fadhiyo cidaas ayaad ka tirsan tahaye u sed-buri, laakiin waxaan meesha u fadhiyaa degmada Burco dadweyneheeda oo aan maayar u ahay, sidaa darteed kursigan marka aan fadhiyo dadku waa isugu kay mid, waxaana ka shaqaynayaa danta guud, ururaduna xafiiskayga iyo adeegaygaba way u siman yihiin, xisbiga aan ka sharaxnahayna uma sed-burinayo, waxaana loo baahan yahay waxa la sheegayaa inay yihiin wax la taaban karo ama la cadayn karo, markaas ayaad qofka eedayn kartaaa, laakiin warar kutidhi-kuteen ah looma baahna, aniguna ma ihi nin ku sasaya ee waxaan ahay nin u soo banbaxay inuu wax u qabto magaaladayda, dadkayga iyo dalkayga.

S: Adigu hore waxaad u ahaan jirtey sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga, shaqada ciidanka iyo hawshan aad hadda haysaana way kala duwan yihiin, markaa intee inle’eg ayaad is leedahay waad dabakhi karaysaa hawsha maamul ee dawladda hoose ?.

J: Waa run anigu ciidamada waan ahaan jirey, laakiin shaqada aan ka shaqayn jirey waxay ahayd shaqo shicibka ku xidhan, aqoontayda gaarka ahina waxay ahayd gaadiidka, intii aan shaqaynayeyna ciidamo lama aan shaqaynayn ee waxaan ka shaqayn jirey hayadaha dawliga ah ee adeegyada shicibka qaabilsan, taasina waayo-aragnimadayda iyo shaqada aan hadda halkan ka hayo wax weyn bay iiga fududaysay ama iiga tartay, shaqadan iyo shaqadaydii horena haka kala dabeecad duwaanaadeen ee waa adeegyo isku mid ah, laakiin hadii aan waayo-aragnimadayda iyo daacadnimo aan ku shaqeeyo la kaashado, ilaahayna talo saarto, waxaan is leeyahay waad ka bixi karaysaa, wax kastaana koleyba waayo-aragnimadooda iyo barashadooda ayey leeyihiin ee kuma lihi wax kasta sida ugu wanaagsan ee looga baahan yahay ayaan u aqaan.

S: Magaalada aad maayarka ka tahay waa magaalo weyn, masuuliyadda maayarnimo ee aad haysaana waa laba xil oo is huwan oo kala ah xil maamul iyo mid hogaamineed, markaa ma is leedahay waxaad tahay nin isku hanan kara labadaa masuuliyadood ?.

J: Horta waa laba masuuliyadood oo culus, una baahan is-xilqaan iyo karti badan, ninka maayarka ahina qof ayuu ka yahay hawlaha, hawshana waxa wada dadka ka hooseeya, dadkaasina hadii ay yihiin dad leh aqoontii, waayo-aragnimadii iyo jajabnaantii hawlaha meesha yaal, way kuu sahnaan saysaa inaad labadii masuuliyadood isku wado, laakiin marka uu dhinicii maamulka dheeli ka jiro, way imanaysaa inaad markaa dheelido, waayo waxa laga yaabaa adiga oo is leh dhinicii maamulka sax inuu dhinicii hogaamintu dheeliyo, sidaa darteed kuma lihi waxaan ahay nin labada masuuliyadood-ba hanan karaya, laakiin ilaa xad waxaan ku dedaalayaa inaan labada masuuliyadood-ba wax ka dhaliyo ama ilaaliyo.

S: Had iyo goor ragga ku fadhiya kuraasta ugu saraysa xarun maamul, sidaada oo kale waxa lagu dhaliilaa inaanay hawsha meesha taal qaybin ee ay, iyagu aakhiraan oo qadimaan, adigu ma tahay nin sidaa ka duwan ?.

J: Horta hadii aan is idhaahdo keligaa wax walba qabo meeshu way dumaysaa, markaa danta ayaaba igu khasbaysa inaan hawsha qaybiyo, anigu waxaan jecelahay inaan masuuliyadaha qaybiyo oo uu qof kastaaba hawshiisa iyo masuuliyadiisa u madax banaanaado oo ay meesha jiraan masuuliyado kala dambeeya iyo isu dheeli tirnaan hawlad qabad, qofkana lagu ilaaliyo, lagulana xisaabtamo hawshiisa .

S: Shaqaalahan tirada badan ee aad sheegtay inaad wasaaradda daakhiliga iyo hay’adda shaqaalaha ku  ballansanaydeen inay wax idinkala qabtaan , laakiin ay idinku raageen, hadii ay idiin iman waayaan idinku ma ku talo jirtaan inaad wax talaabo ah qaadaan ?.

J: Haa waa ku talo jirnaa, waxna way noo qorshaysan yihiin, wasaaradda arimaha gudahana hadda ka hor taa waanu ka wada hadalay, oo hadii naloo iman waayo talaabo ayaanu qaadaynaa, laakiin talaabadii waxa ilaa hadda naga hortaagan duruuf, waayo qofka shaqaalaha ah ee aanad u baahnayn waxa weeye inaad wixiisa siiso, ka dibna aad ku tidhaahdo nabadagelyo, taas darteedna waxa jira wax aanu xeerinayno, balse hadii ay soo karto oo aanu dawladda dhexe waxba ka wayno dee markaa waanu ku khasbanahay inaanu xal gaadhno si aanu u joojino dhiig-baxa dhaqaale oo na haysta. 

Weftiga Somaliland Ee Tanzania U Safray Marti-Qaad Iyo Muraad Kale Waa Iyama?

Hargeysa (Haatuf):Aroornimadii hore ee doraad waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada ka boqoolay saddex wasiir oo ka tirsan dawladda Somaliland iyo sarkaal ka socda hay’adda shaqaalaha adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan ILO oo booqasho ku yimi Somaliland, iyadoo uu sarkaalkaasi mudooyinkan safaro is dabajoog ah ku yimi Somaliland.

Sida ay sheegeen warar saxaafadda soo gaadhay ambabaxooda ka dib waxa sababta socdaalka saddexdaa wasiir lagu tilmaamay martiqaad ay ka heleen xafiiska ILO ee bariga Afrika oo ku yaal Daarasalaam, caasimadda Tansaaniya.

Inkasta oo warar faahfaahsan laga bixin ujeedada dhabta ah ee socdaalka weftigaa, haddana warar xog-ogaal ah oo la xidhiidha socdaalka wasiirada ayaa tibaaxay inay wasiiradu iskaga lug dareen sarkaalka ILO.

Waxa kale oo ay wararku sheegeen inay hay’adda ILO gacanta ku hayso lacag gaadhaysa ilaa $1400,000 oo dolar (Hal milyan iyo afar boqol oo kun oo dolar), lacagtaasna loo qoondeeyey in wax lagaga qabto dalka Somaliland iyo gobolka Bay ee dalka Soomaaliya, mashruucaa ka sokowna sarkaalka ILO waxa kale oo ay safaradiisa Somaliland la xidhiidhaan sidii ay hay’adda ILO xafiis uga furan lahayd caasimadda Somaliland ee Hargeysa . Hase yeeshee waxay wararka qaarkood sheegeen inay ILO u suurta geli wayday in hawlaha ay doonaysay ay ka fulin kari wayday gobolka Bay dhibaatooyin dhowaan halkaa ka dhacay dartood, laakiin ay Somaliland suurta gal tahay inay ka faa’iidaysato mashruucaa, iyadoo ujeedada mashruucaa lagu tilmaamay inuu noqdo mid gacan ka gaysta dib u soo noolaynta kaabayaasha ilaha dhaqaalaha ee saldhigga u ah nolosha dadweynaha, laakiin sida ay wararka qaar tibaaxeen masuulka loo xilsaaray fulinta mashruucan ayaa u muuqda inaanu weli diyaar u ahayn bilaabista mashruucaa, waxayna wararku sheegeen inay dhawr bilood oo qudhi ka hadhsan tahay mudadii loo qoondeeyey inuu mashruucaasi hirgalo, iyadoo ay dadka arintaa u dhuun-daloolaa masuuliyiinta dawladda Somaliland ugu baaqayaan inay cadaadis saaraan hay’adda ILO si ay dhakhso ugu dhaqaajiso mashruucan inta aanay lacagtiisu guban daba yaaqada sannadkan oo ku began mudadii uu mashruucu ku dhamaanayey.

Sida ay wararku sheegeen wasiirka qorshaynta mudane Caafi ayaa isna lagu dhaliilay inaanu xil weyn iska saarin hawsha mashruucaa, iyadoo la leeyahay waxa uu u seeto dheereeyey masuulka ka socda hay’adda ILO oo aan ilaa hadda saxeexin heshiiska mashruucaa oo ay ahayd inuu la saxeexo wasaaradda qorshaynta Somaliland.

Dhinaca kale sida ay tibaaxeen warar xog-ogaal ahi ujeedada dhabta ah ee uu ku saabsan yahay socdaalka saddexda wasiir ee Tansaaniya qabtay waa arin laga wada dheregsanayn oo uu calaamatusu’aal saaran yahay, waxaana dadka arimaha maamul ee dawladda Somaliland u dhuun-daloola isu qaban waayey miisaanka weftiga iyo ujeedada ay Tansaaniya u qabteen, taas oo la leeyahay waxay meesha u tageen aqoon iswaydaarsi aan istaahilin heer wasiir iyo wax u dhow toona.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxay iswaydiintu saddexdaa wasiir ma noqonayaan niman ka soo dhalaala inay ILO ka soo furfuraan ILO.

Ta kale sida ay warbaahintu doraad sheegtay wasiiradaasi waxay hadhow soo mari doonaan magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya si ay ula kulmaan deeq bixiyayaasha iyo madaxda hayadaha samafalka ee Somaliland ka hawl gala oo uu 11-kii sannadood ee u dambeeyey fadhigoodu ahaa Nayroobi, sidaa darteed waxay su’aasha labaad noqonaysaa saddexda wasiir ma yihiin niman ku talo jira inay soo raraan Xafiisyada hayadaha samafalka caalamiga ah ee la aaminsan yahay inay deeqdii Somaliland loogu dhiibay inta badan ku lunsadaan surimada Nayroobi, sidoo kalena, iyaga laftoodu ma yihiin niman ka bad-baadi kara inay hawl-wadeenada hayadaha samafalka ee sida fiican ula xoogsada masuuliyiinta dawladaha saboolka ah inay sacabada musuqmaasuqa leef-leefsiiyaan.

Iyadoo ay dadka wararka socdaalka saddexdaa wasiir xog-ogaalka u ahi iswaydiinayaan su’aasha ah saddexda wasiir tolow miyaa la martiqaaday, mise sarkaalka ILO ayey iska sii lug dareen, taas oo macneheedu yahay inay aad u kala laan-gaabsan yihiin ujeedada socdaalka iyo miisaanka weftigu

Waadiga Ciyaaraha

Patrick Vieira Oo Caddeeyay Inuu Ku Neganaayo Arsenal

Patrick Vieira ayaa caddeeyay inuu u sii ciyaari doonjo kooxda Arsenal, oo uu heshiiskiisii hore ee kooxdaa uu ku e’eg yahay sannadka 2004.

Patrick Vieira, wuxuu sii joogistiisa kooxda Arsenal ee waqooyiga London ka dhisan ay rumowday markii uu u sheegay wargeys toddobaadle ah oo wax ka qora ciyaaraha kubadda cagta oo ka soo baxa dalka Faransiiska.

Ciyaaryahankan Faransiiska ah ee khadka dhexe ee kubadda cagta ka ciyaara Patrick Vieira, wuxuu isagoo ka hadlaya joogitaankiisa yidhi; “Waxaan wadaa wadahadalladii saldhigga u noqon lahaa, iima muuqato sabab aanan u sii joogin. Waxaan galay gor-gortankii lagu kordhin lahaa heshiiskayga oo dhammaanaya 2004.” Sidaa wuxuu ugu warramay wargeyska France Football Magazin.

Arrintani waxay soo baxday markii ay soo baxeen warar tibaaxaya inay Vieira u gacan-haadiyeen kooxaha kubadda cagta ee Real Madrid iyo Manchester United, si uu ugu biiro iyaga oo uu uga soo wareego kooxda Arsenal ee Highbury.

26-jirka Vieira, waxaa kale oo uu sheegay in ku guulaysiga koobka horyaalada Yurub (Champions League), oo ay kooxdiisa Arsenal ku guulaysato uu sameynayo macno weyn oo aad uga duwan, haddii ay koobkaa qaadaan isaga oo markaa u ciyaara kooxaha Real Madrid ama M. United. “sidaasi waa sidaan wax u arko,” ayuu raaciyay Vieira.

“In aan ahay kabtanka kooxda Arsenal waa arrin aan ku hanweynahay,” ereyadaasi waxay iyaguna ka mid ahaayeen waraysiga Vieira oo rumaysan in tabobaraha kooxda Arsenal Mr. Arsene Wenger uu u dheerayn doono muddada heshiiskiisa ciyaareed.

Odhaahada Akhristaha

Abaalkooda Taariikhdaa Qori Doonta

Marka hore haddii aad tihiin bahda Wargeyska Haatuf waxaanu idiinku mahad celinaynaa qalinkiina Dimuqraadiga ah ee saxaafadeed.

Intaa ka bacdi haddii aan ahay Maxamuud Cabdi Cilmi (Tarabi), oo degan magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool waxa aan idiinka mahad celinayaa hawlaha adeega saxaafadeed ee ummadda Somaliland aad xilkeeda qof garan karaa uu u badheedhi karo aad si geesinimo ku jirto aad ugu babac dhigteen inagoo joogna dalka ka mid ah Caalamka 3aad.

Intaa ka bacdi dalkeena oo xorriyadiisa, soo ceshay 1991, noqdayna dal ka go’ay Soomaaliya inteedii kale, waxa halganka gobonimadiisa uu kula soo noqday waxa horseed u ahaa ururkii gobonimo doonka SNM, taas oo nafo badan lagu waayay, kuwa fekerkiisa ka soo horjeeday iyo kuwo fekerkaa taabacsanaaba.

Isku soo xoori waxa maanta aan la qarin karayn fekerkii SNM in ummadda Somaliland ay guud ahaan midhaheedii ummadda Somaliland iyo Caalamkuba ku qanacsanyihiin  aynu haysano.

Haddii aanu nahay dadka G/Sool ku dhaqan siiba kuwa aaminsan Somalilandnimada waxaanu si fiican u soo dhawaynay weftigii salaadiinta iyo Guurtida iyo aqoonyahanada ka koobnaa ee madaxweynaha JSL Daahir Rayaale Kaahin u soo diray G/Sool kuwaa oo isfaham ka dhaliyay ummadda reer Sool, wixii xurguf ahaa ee ka dhexeeyay, waxaananu leenahay abaalkooda taariikhda ayaa qori doonta.

Waxa Haddaba naga yaabisay markii aanu wiigii ina dhaafay ololaha Siyaasadeed ee Axmed Siilaanyo, ururkiisa KULMIYE uu kalsoonida ugu raadiyay khudbado uu degmada Gebilay iyo Wajaale uu dadka kula hadlayay uu ku beerlaxawsanayay SNM nimaan halgankeedii ka qayb-qaadan abaal iyo doorasho midna idinkuma leh.

Haddaba Axmed Siilaanyo iyo ururkiisa KULMIYE waxa aanu leenahay adiga iyo inta ila fekerka ah ee doorashadu inay dhacdo aaminsan iyada oo Qabiil iyo Xisbiyadii Qabiilkaba ka fog sida waxa aan leenahay miyaad ilowdeen dalkeenu ilaa dastuur u gaara inuu yeeshay Xisbiga KULMIYEna ka furan yahay Gobolada dalkeenoo dhan, ummada Goboladaasna uu ku leeyahay taageero aan qabali ahayn ka haysto, ururada doonaya in ay helaan taageerada ama codka shacabka waxa aanu aaminsanahay inay dariiqa ay wax ku doonayaan uu noqdo mid aan damaq qabiil iyo duufaanadii waqtigii  xumaan aan ahayn.

Gudoomiye Siilaanyo waxa aanu leenahay ninka si qaloocan wax ku raadiya ama wax ku hela si qaloocan ayuu wax ku hogaamiyaa.

Ummadana waxa aan leeyahay reer hebel waa waxa haddii aanu reer Sool nahay dib noo dhigay ee aanu maanta dedaalkeedii ku jirno sidii aanu uga soo doogan lahayn (Siilaanyow nin Qabiil dugsada dib buu u hadhaa) anagu haddii aanu dadka Reer Sool nahay waxaanu diyaar u nahay doorasho Dumuqraadi ah.

Maxamuud Cabdi Cilmi Tarabi (Caga-Weyne) Laas-caanood

Lugtu Faras Ma Gaadho

Mahad xamdi naq waxaa iska leh ilaaha iska leh koonkan waxa walbana ay ku socdaan amaradiisa, waxa kale oo aan ilaahay ugu xamdi naqayaa xorriyadda iyo dawladnimada aynu maanta ku haysano dhulkeena hooyo oo aynaan maanta cidna uga marti ahayn waxa la yidhi sida wax loo dumiyaa way dhib yartahay balse sida loo dhisaa way dhib badan tahay, Shacbiga Somaliland ka dib dagaal ba’an oo muddo 10 sanadooda ay kula jireen kaligii taliye Afweyne oo ay xornimadooda kula soo noqdeen gumaysigii Koonfureed waxay dhexda u xidheen hawl ah sidii ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen muddo 12 sano ah ayay hawshaasi socotaa ilaa haatan maanta Somaliland waxay ku rajo wayntahay sidii ay talaabo wax ku ool ah hore u qaadi lahayd, taas oo ah mid ay ku rajaynayso in ay beesha Caalamka kaga hesho garawshiiyo keena in ay Ictiraaf hesho caalamkana waxaanu u sheegaynaa in ayna Somaliland ahayn dhul ka go’ay Soomaaliya balse ay tahay dal la soo noqday xorriyadiisii talaabadan ay Somaliland maanta doonayaan inay horey u qaadaan waxa weeyaan sidii ay uga diga rogan lahayd, nidaamka ku dhisan beelaha ugana diga rogan lahayd nidaam doorasho xor ah oo dimuqraadi ah doorashooyinkan oo u kala qaybsan saddex qaybood oo kala ah doorashooyinka Golaha deegaanka, kuwa baarlamaaniga, kuwa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa kuwa u soo horeeya oo ah kuwa deegaanka  waxa qorshaysan in ay dhaceen bisha disambar haddii alle yidhaahdo.

Sida aynu ogsoonyahay doorashooyinkan iyaga ah waxa isu diiwaan galiyay in ay ka qayb galaan 8 urur Siyaasadeed oo kala ah UDUB, BIRSOL, UCID, HORMOOD, SAHAN, KULMIYE, ASAD, Iyo ILAYS, ilaa iyo haatan waxaa si habsami ah u socda loolankii uu urur waliba ku doonaynay inuu ku kasbado kalsoonida shacabka, nin waliba Horta wixii ilaahay u qoray ayuunbuu heli doonaa ururada siyaasada waxaan kula dardaarmi lahaa in ay loolankooda ka saaraan hab qabiil oo ay wax ku dooni hab qaloocan oo isaguna noocyadiisu badan yihiin , runtii iyo xaqiiqdii ururadan iyo ragga hogaanka u hayaa Horta ha ogaadaan in shacbigani aanu ahayn kii ay yaqaaneen ee awrka lagu kicin jiray maanta dadkani gacantooda ayay ku jirtaa sidii ay u dooran lahaayeen cidii hogaamin lahayd.

Shacbiga Somaliland maanta qof walba wuu garanayaa nin walba wixii u gudo iyo wixii uu galo, taasoo ay ku salaynayaan ninka ay maanta is leeyihiin wuu u qalmaa hogaanka dalka kaasoo ka saari kara marxaladan ay ku jiraan haatan Haddaba waxaan halkan ku soo bandhigayaa hogaamada sare ee ururada ee ilaa iyo haatan isu soo taagay doorashada M/weynanimada taasoo aan u soo bandhigayo bal si ay dadku miisaan u saaraan ururada qaar way soo saareen ninka ay doonayaan in uu  noqdo musharaxa M/weynenimada, qaarna wali may baahin qaar kale iyagaa wali musharaxooda M/weynenimo wuxuu ugu jiraa jeebada dambe oo waxay la sugayaan aakhir licib waana sidan

UDUB Daahir Rayaale Kaahin, KULMIYE Siilaanyo, SAHAN Gaboose, ASAD Saleebaan Gaal, HORMOOD Maxamed X. Maxamuud UCID Faysal Cali,  BIRSOL, ILAYS, sida dastuurku dhigayo waxaa la doonayaa in ciyaarta faynalka isugu yimaadaan 3 xisbi oo iyagu is arki doona mar qudhana garoonka soo galay.

Haddaba saddexda Xisbi ee ilaa haatan loo tirinayo inay noqdaan kuwaas kala yihiin UDUB, ururka dawladdu naaxisay sida weyn, Ururka KULMIYE ilaa iyo haatan isaga laftigiisu wuxuu isticmaalayaa dhawr arrimood oo uu ciyaarta faynalka ugu soo baxo kuwaas oo kala ah, xubnihiisa oo hanti aan la qiyaasi karin ka lunsaday Somaliland oo jagooyin muhiim ah ka soo qabteen muddo 7 sano ah hanitidaas oo uu imika ku isticmaalayo sidii ay cod u heli lahaayeen. Xisbigan oo ah kan la filayo inuu saddex ku noqdo labadaa hore oo ay isku arki doonaan ciyaar faynal ah oo is wada arag ah wuxuu ka mid yahay xisbiyada aan wali soo saarin musharaxiisii isla markaana aan wali ka muuqan hogaanka sare xisbigan jeebka dambe ayuu ku jiraa musharaxani shacbi weynaha Somaliland aad ayuu ula socdaa xisbigani waa xisbiga BIRSOL oo uu gudoomiye u yahay mudane Axmed Sandoon xisbigan iyo hogaankiisu waa rag aan horay xilal uga soo qaban dawladda Somaliland hanti ummadi leedahayna aan isticmaalayn arrimaha uu doonayo inuu bulshada cod kaga helana waxa weeyi in uu hayo ninkii  qaban kari lahaa waxa kaliya ee ay maanta bulshada Somaliland maanta u dhag taagaan taasoo ah Ictiraaf aynu dunida ka helo siyaasi ruug caddaa caan ah caalamkuna isu soo taagi doono waa halyaygii ka midho dhaliyay ka mid noqoshadii Soomaaliya ee Jaamacada Carabta si wayna loo wada garanayo waa siyaasiga kaliya ee aan qabo inuu maanta yahay ninka kaliya ee u qalma kursiga ugu mudan Somaliland ee M/weynanimada waa ruug cadaa Mr. Cumar Carte Qaalib haa wada garanay Ilaahayow noo door waxba ma dooran karnee lugi faras ma gaadhiyo rukuub tiirshay luquntee

Saadaad Aden Cismaan Hargeysa

Boqortooyadii Badh-tamaha Aasiya (Afqanistan) Iyo Sooyaalkeedii Taariikheed

Dalka Afgaanistaan oo ku yaalla badhtamaha qaarada Eeshiya ayaa loo yaqaanay Boqortooyadii badhtamaha Eeshiya, waxaanay lahayd nidaam maamul oo u boqor xukumo taas oo ay dadkeedu u yaqaaneen (Dawlate Padshashi ye Afgaanistaan), Afgaanistaan waxay dhinaca waqooyi kala leedahay xuduud dalalkii ka tirsanaan jiray midowgii Soofiyeeti oo kala ah Turkstan, Usbekstan, Tadzhikshan, dhinaca galbeed waxay xad la leedahay Iraan, dhinacyada bariga iyo Koonfurta Afgaanistaan waxa sohdin kala wadaagta dalka Pakistan, jahooyinka waqooyi barina Afgaanistaan waxay jaar ka yihiin Shiinaha.

Dadka dalkaas Afgaanistaan ku nool Afganska ma cada taariikh ahaan laakiin wuxuu ahaa magaca loo yaqaan dadka dalkaas ku nool tan iyo qarnigii lixaad(6) ee taariikhda. dadka ku nool Afgaanistaan waxaa guud ahaan loo kala saaraa afar qawmiyadood oo kala ah Pashtun, (Pathan), Tajik, Usbek, aqlibiyada waxaa iska leh dadka Pashtunka ah ee Afgaanistaanoo noqda 60% boqolkiiba lixdan tirada guud ee dadweynaha ku nool Afgaanistaan, halka ay Tajik ama Tadzikh ay ka noqdaan (31%) kow iyo sodon boqolkiiba saamiga tirada guud ee dadka ku nool Afgaanistaan Uzbek-ka ayaa iyaguna ah 5%, halka 3% ay yihiin qawmiyada Hazara, tiro ah boqolkiiba 1% ayaa iyaguna asal ahaan ka soo jeeda Israa’iil, Hind, Sikhs, (Singa-singa).

Uzbek-ka ayaa ku nool Waqooyiga iyo badhtamaha Afgaanistaan, Tajik waxay ku nool yihiin gobolada Herata iyo Kabul, Pathanka ayaa iyagu ku dhaqan bariga iyo Koonfur bari, Hazaraska ayaa dega buuraha degmada Hazarejat.

Dadka ugu badan Afgaanistaan ee loo yaqaan Pashtugu waxay muuqaal ahaan leeyihiin asalka dadka ka soo jeeda hido ahaan dadyawgii ku dhaqnaan jiray Agagaarka badda Medatereeniyaanka (mediteranean), boqolkiiba (10%) dadka Tajika ah ayaa leh timo cad iyo indho buluuga, Hazar-ka dadka loo yaqaan ee ku nool Afgaanistaan ayaa iyagu leh hida ka soo jeeda Mangolia.

Afgaanistaan waxa jira ilaa (20) labaatan af iyo lahjadood oo dhammaan aan wada faafin ku hadalkooda iyo qoristooda, laakiin afka ugu mudan ee aqlibiyada ahi waa pashto, (Pushtu, Pakhsto, Pakhitto) iyo qaybaha galbeedka oo leh lahjada afeed oo Iran afkeed udhow dhow, labadaas lahjadood ayaa ah afafka sida aqlabiyada wax loogu barto dugsiyada dalka Afgaanistaan 75%, dhowr milyan oo Afgaanistaan u dhashay gaar ahaan qawmiyada Pashtu-ga ayaa ah xoolo dhaqato ula safra kolba halka ay daaq uga helayaan xoolaha ay dhaqdaan oo ah lo’ iyo ido, qowmiyada Tajika ayaa iyagu kunool beero waraaba iyo qaybo ka mida Ganacsiga, dadka Hazera-ka ee ku nool Afgaanistan ayaa ah beeralay iyo daaqsato xoolo raacato ah, xiliga uu barafku ka dhaco Afgaanistaan xoolahooda way quudiyaan iyagoo xeryo ku jira. Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ah ee laga ciyaaro Afgaanistaan waxaa ka mid ah Attan, oo ah ilaa konton qof oo isugu imanaya meeris iyagoo heesaya lugahana ka ciyaara.

Ciyaaraha maaweelada ah ee Afgaanistaan waxaa ka mid ah Ghosal oo kooxdu ay ku boodo hal lug si ay goolka kale u gaadhaan koox kalena ay la loolanto

Taariikhda markii ugu horaysay waxaa qoray oo isticmaalay Erayga Afghan ee loo yaqaan guud ahaan Afgaanistaaniyiinta xidigiye Hindi ahaa oo la odhan jiray Varaha Mihira qarnigii lixaad.

Dabci ahaan Afgaanistaaniyiintu waa Dagaalyahano.

Markii ugu horeysay waxaa maamul ka sameeyay Afgaanistaan boqor la odhan jiray Cyrus (559-530) BC (ka hor dhalashadii nabi Ciise), xukunkaas oo jiray ilaa Alexander De Great, 322 BC taariikhdu markii ay ahayd qayb Afgaanistaanka ka mid ahi waxay hoos tagtay maamulkii ChandrGaubta Manraya ee Hindida xukumi jiray.

Diinta Islaamku waxay aad ugu fiday Afgaanistaan qarnigii tobnaad ka horna halkaas waxa laga cibaadaysan jiray (budha).

Turkiga ayaa xukumi jiray Afgaanistaan 658 (ka dib dhalashadii ciise) ay uu maamulkoodii Afgaanistaan uu Shiinuhu jabiyay, xiligas oo uu Afgaanistaan soo gaadheen ciidamo Carab ah.

Boqor la odhan jiray Mahamud ayaa qabsada Afgaanistaan 997 isagoo maamulkiisa gaadhsiiyay ilaa qaybo ka mid badhtamaha Hindiya boqorkaas oo loo yaqaanay Mahmud-kii Ghazni wuxuu xukumayay Afgaanistaan ilaa 1152, ka dib qaybta waqooyi galbeed ee Afgaanistaan waxaa ka dhismay maamul uu boqor ka yahay Cala-udin.

Afgaanistaan midnimadeed qaran waxay bilaabantay qarnigi 18aad markii nin la odhan jiray Mir Vais Khan oo ahaa hogaamiye ka dhashay qabiilka Hotaki Ghilzai uu abaabulay kacdoon uu magaalada Qandahar (kandahar) kaga saaray maamulkii nin u dhashay Iran (Gurgin Khan) sanadkii 1709.

1747, magaalada Qandahar (Kandahar) ee Afgaanistaan waxaa qabsaday Axmed Khan Cabdili oo watay Ciidan (4000) kun ah halkaas oo ay qabaa’ilka degenaa ugu caleemo saareen boqor.

Axmed Shah wuxuu ka mid ah qoyska boqor loo boqray Afgaanistaan ee jilibka Sodazia.

Axmed Shah ayaa noqday Boqor isagoo (25) jir ah, wuxuuna muujiyay karti inkastuu da’ yaraa isagoo kor u qaaday midnimada dadka ku noolaa boqortooyadiisa, difaacayna cadowyo dibadda ka soo weeraray, Axmed Shah wuxuu magacii qoyskooda ee ahaa Sadozia uu u badaly magac cusub oo ahaa Durrani.

Sanadkii 1773 ayuu dhintay boqor Axmed Shah, waxaana xilkii boqornimada qabtay Shah Timur ahaa inankiisa.

1919 ayuu boqor Amanulah ku soo dabaalay Afgaanistaan nidaam dawli ah oo Dumuqraadi ah.

Afgaanistaan waxay u qaybsantahay 7 Gobol oo waaweyn iyo (8) Gobol oo yar yar, todobada gobol ee waaweyni waxay kala yihiin kabul, Mazarisharif, Kandahar (Qandahar), Heart, Nangranar, Paktia, Kataghan, gobolada yar yari waxay kala yihiin Parwan, Farah, Ma’imana, Girisk, Shibarghan, Sandakhshan, Ghor, Ghazni.

Afgaanistaan waxay  iskaga filantahay Raashinka la cuno ee daruuriga ah, waxa qudha ee aanay iskaga filayna waa sonkorta iyo caleenta shaaha, magaalooyinka Ganacsiga u ah saldhiga ee Afgaanistaan waa Kaabuul, Kandahar, Heart, Mazarisharif, iyo Jalalabaad.

Boqorkii ugu dambeeyay ee boqortooyadii Afgaanistaan Daahir Shaah ayaa hadda ku nool dalka Afgaanistaan oo hadda aan ahayn boqortooyo ee jamhuuriyada ah.

Sheeko Taxane ah

Quruxdeedaa Sababtay Qalalaasaha Nolosheeda

Waxa Qoray Cumar japan Q: 6aad

Najiib wuxuu u sheegay hooyadii in aan cidi u soo arag ee ay si nasiiba u kulmeen.

Najiib, Berbera ayuu ugu tegay Mooge, waxaanay isu soo raaceen dhinaca Hargeysa, gelinkii dambe ee Khamiistii, iyada oo xilligii ay soo galeen ay ku kala tageen ballan ah, in subaxnimada Jimce ay isu sii raacaan xagga magaalada labaduudu (Mooge iyo Najiib), iyo Cali Madhaafaan.

Mooge ayaa ku wargeliyay Najiib, in isaga iyo aabihii ay beri qadada ku leeyihiin gurigiisa. Sidoo kalena uu soo marti-qaadayo Goohe Guuleed. Najiib iyo aabihii, waxay subaxii soo mareen Mooge, xilli barqo dheer ah ilaa 11:00 subaxnimo, maadaama ay Jimce ahayd.

Si uu Mooge kulan iyo marti-qaadka gurigiisa uu ugu soo sheego, ayaa meel la sii dhigay Najiib, isaga oo uu gaadhiga uu kaxeeyay Mooge, Cali Madhaafaana ay isa sii raaceen. Mooge wuxuu abaaray Hotel Oriental oo uu inta badan gelinka hore Goohe la fadhiisan jiray odayaal ay sheeko-wadaag yihiin, gaar ahaan maalinta Jimcaha ah.

Cali Madhaafaan, maadaama uu maalintaa la kulmay qoys cusub oo ay xididayaan wuxuu sitay huga kuwooda maalin-sharafeed, shaal, cumaamad, bakoorad qurux badan, macawisaha kuwooda ugu qaalisan.

Mooge intuu meel gaar ah fadhiisiyay Cali Madhaafaan ayuu u tegay Goohe Guuleed oo la fadhiya rag kale. Salaan kadibna, wuxuu u sheegay in maanta uu ku casuumay gurigiisa, ilaa fadhiga gelinka dambe. Isaga oo u raaciyay, in ninka la socdaa uu yahay Najiib aabihii, kadibna Mooge iyo Goohe waxay u dhaqaaqeen dhinaca Cali Madhaafaan uu fadhiyay ee Hotel Oriental.

Cali Madhaafaan oo fahamsanaa, ninka ay doonayeen inuu yahay odayga qoyska ay xididayaan ayaa intuu istaagay u gacan-qaaday Goohe gacan-qaad ay ku dheehan tahay qiimayn iyo qaddarin, kadib markii uu Mooge is-baray sheeko kale lama sii wadan. Waxaa ballamay Mooge iyo Goohe, si uu guriga ugu soo maro gelinkii dambe ee Jimce.

Waxaa u suurtogashay Mooge, inuu isa soo hor-fadhiisiyo labada qoys ee xidididay labadoodii oday iyo Najiib oo ninka inanta loo doonayo ah, laakiin Goohe Guuleed waxaa soo labeeyay walaalkii Saalax oo ah nin reer-miyi ah oo uu gurigiisa ugu tegay Goohe duhurkii, wuxuu jeclaystay inuu Saala raaco, isaga oo shandadiisa dharka intuu fuary mar-gashi dhar ah uga soo saaray, kabo sandal ah oo cusubna ugu daray, ayuu u sii tibaaxay Goohe arrinta ay meesha u tegayaan iyo raga ay u tegayaan.

Luul oo guriga habaryarteed, aan sidii hore u iman jirin ayaa maalintaa iyadu gudaha hore ka agaasimaysay casuumadda ay ku kulmayaan reerka guurkeeda u soo geed-fadhiisanaya iyo reerkoodu. Qado casuumad ah oo cunto noocyo badan, indhahana laga dhergay, laakiin aan is-dhawris xididnimo kala xishoodkeed aan loo dhimin suxuunta soortu ku jirtay, waxaa looga gudbay fadhi jiqilaysi qaad. Lababa dhinac ayay fadhiisteen labada qoys, Moogana dhinaca xigay albaabka ayuu fadhiistay si uu ugu dhawaaqo haddii wax loo baahdo, ama uga qabto qofka wax sida.

Mooge Asraar oo isagu labada reerba ay is yihiin, ayaa isagu ku horreeyay is-barista iyo hoos u dhaadhaca haybta iyo dhinac walba.

Kulankaas, ayaa ku dhammaaday, iyada oo ay Cali Madhaafan iyo Goohe Guuleed ay isku af-garteen inay labada dhinac ka joogsadaan oo inta kaga gudboon ay la garab-galaan Najiib iyo Luul uu noqdo qoys cusub.

Cali Madhaafaan, ayaa isagu ballan-qaaday in maalinta Isniinta ah u iman doonaan reer Goohe Guuleed, oo uu fulin doona dhaqanka doonista hablaha, kulankana uu aad ugu farxay qoyska wanaagsan ee Goohe Guuleed, ee ay kulmaan, xididayaana.

Goohe Guuleed, wuxuu telefoonka ku wargeliyay in inantii Luul nin la siinayo inanka qudha ee ku laba ah Luul carruurta qoyska reer Goohe, oo la yidhaa Abiib, oo ka weyn Luul, ahna carudka reer Goohe Guuleed.

Abiib toddobaadkan ayuu u soo diray sawirka jaamacadda uu wax ka barto dalka Maraykanka ee University of Connecticut, qaybteeda caafimaadka, warqadda uu u soo diray Abiib walaashii Luul oo ay carruur badani u dhaxaysay, laakin qoyska reer Goohe, waxaa carruurtoodii ka kacay oo qudha labadooda, sidaas darteed Abiib wuxuu aad ugula soo dardaarmi jiray Luul, in ay ku dedaasho dhinaca waxbarashada sidiisa oo kale. Abiib wuxuu bartaa hadda cilmiga Pharmocoly, wuxuu qaadanayaa shahaadada Mast-rate (M.S.C).

Luul markii ay heshay toddobaadkii hore warqadda iyo Booskaadhka (post card), sawirka jaamacadda uu dhigto, waxay ula muuqatay inay walaalkeed laba nololood oo kala duwan ku kala nool yihiin.

Xilliga isugu dambaysay Abiib iyo Luul, waa waqti hore oo ay Luul aad u da’ yarayd, waxaanu Abiib aad ula yaabay sawiradii ay walaashii Luul u dirtay.

Abiib, markii uu aabihii Goohe u sheegay in inantii Luul la bixinayo, wuxuu weydiiyay inay waxbarashadii dhammaysay iyo inkale, waxaa kale oo uu yidhi; “Aabo inantu wax ha baratee miyaad guurka ka yara daysid.” Goohe aad ayuu ugu qoslay jawaabtaa inankiisa, waxaanu ku yidhi; “Aabo dhaqankeenu sidaa aad u fikirayso ma aha. Milgadii arrinkaasi lahaa ayaan ka marayaa, sidaasaa awoow ka awoow loo soo xididayay, mana aha xaajo ugub ah, aadna waan kuu soo ogaysiiyay.”

Intaa kadib, Abiib wuxuu dareemay inaanu u fahmin sidii aabihii uu u soo wargeliyay arrinta guurka inantooda, kadibna waxogaa markaa aanu lacag sidaa u badan u arkayn Abiib oo dhinacna wax ka barta saacadana shaqaysta ayaa u soo diray markii u horraysay lacag uu u soo magacaabay in Luul la siiyo. Goohe Guuleedna arrintaa wuu ku farxay, isaga oo u arkay inuu u soo diray si loogu kabo hawlaha Luul.

Habeenimadii dambe cashadii kadib, ayuu Goohe ugu bishaareeyay Luul, in walaalkeed Abiibh u soo diray lacag uuna aad ugu faraxsan yahay Luul siday kaalin galka u noqotay si degdega. Luul oo adarees gaar ah u lahayd xidhiidhka walaalkeed oo uu ugu soo hagaajin jiray waraaqaha P.O.Box 62 Samaters Book Shop, Hargeysa, ayaa iyana u sheegtay abaaheed in uu maalin dhowayd u soo diray warqad, Post Card iyo talo uu leeyahay walaal waxbaro.

Labada qoysba (reer Cali Madhaafaan iyo Reer Goohe Guuleedba) toddobaadkii geed-fadhiisiga Luul waxa ku soo kordhay ehelo isugu jirta ilma-adeer, ilma-abti, habaro-wadaag, eddooyin, habaryaro, asxaab, jaar, arday hore oo ay isku waxbarasho ahaayeen.

Galabnimadii Isniineed ayay ka ambo-baxeen guriga reer Cali Madhaafaan raxan odayaal mudakar ah oo ay dushooda saran yihiin go’yaal iyo marcawiso kuwooda loo door-biday xarrago, qurux iyo haybad hu’, waxaa hor-socday Caydiid Gadhweyne oo ah Najiib adeerkii, ahna odayga qoyska. Waxaa wehelinayay sheekh loo soo kaxeeyay in uu meheriyo is-gacanqaadka siinta kadib Luul, si aanay arrintu qabyo u noqon.