Haatuf News

Issue: 173                                  Maalinta: Jimce               Date: 4 October 2002

Badheedhaha Wargeyska

Hawl-Fulinta Iyo Talo Soo Jeedinta Sidee Loogu Maareeyaa Arrimaha Dawliga Ah?

Magacaabista masuuliyadaha, aqoonta qof oo loogu magacaabo masuuliyada ayaa inta badan dhacda inaanay isku beegmin in masuuliyad walba loo magacaabo qof leh aqoonteed iyo waayo aragnimadeed haddii uu xataa masuulka loo magacaabay masuuliyad maamul dawli ah uu u leeyahay aqoonta hay’adaas, haddana waa lagamamaarmaan in ay go’aanadiisu ku salaysnaadaan falanqayn arrintaas ay rogrogeen dad doora oo aqoon u leh arrinta laga hadlayo, inta badan waxaa dunidu isku raacday in arrimuhu ay ku wanaagsan yihiin in guddi aqoonyahano ahi ay arrinta soo darsaan ka dibna ay qoraalka daraasada u soo gudbiyaan cida markaa haysa masuuliyada hayadda fulinteed leh. Qaabka wada shaqaynta talo soo jeedinta aqoonta iyo masuuliyada fulinta waa hab keenaya in laga faa’iidaysto waayo araga iyo aqoonyahanada ku takhasusay dhinacyada badan ee hawlaha inta badan xalintoodu u taal masuuliyiinta sida, hawolaha caafimaadka, waxbarashada, nadaafada magaalooyinka, dhismaha wadooyinka, ka faa’iidaysiga khayraadka, jaangooyinta dhaqaalaha ilaalinta deegaanka adkaynta nabadgelyada horumarinta maamulka xoojinta dawladnimada xanaanada xoolaha, beeraha kaluumaysiga kor u qaadida nolosha dadweynaha iyo tan  shaqaalaha iyo ciidamada horumarinta reer miyiga tuulooyinka  iyo magaalooyinka.

Iskaashigaasi ka yahay dawo ka yahay fashilinka arrimaha ay xalintoodu masuuliyiintu isku dayaan ee haddana mushkiladu halkii uun taaganaato, sababaha ay u fashilmaan go’aan lagu xalinayo arrimaha aynu xusnay waxaa ka mida iyadoon waqti ku filan aan la siin daraasad dad aqoon iyo takhasusu u leh oo arrintaa ka howlgala warbixina ka soo diyaariya, in sidan ay yeelaan masuuliyiinta haya qaybo badano oo ah hayadaha dawliga ah ee qaabilsan adeegyada kale duwan ee dadweynuhu waxa jirta in ay u arkaan haddii ay talo ka soo bixinta arrintaas muddo gaaban u diraan aqoonyahano aan isagu shaqo iyo xil toona aan hayn ay la macno tahay karti darro masuuliyadeed, laakiin macnuhu sidaa maaha waa laba arrimood oo kala gaar ah, fulinta waxaa iska leh masuulka hay’adaha dawliga ah ee arrintaas qaabilsan laakiin ka soo talin iyo qaabaynta arrimahaasi waxay ku midho dhalayaan iyagoo ka yimaad cid aqoon u leh arrintaas.

Arrintani waxay aad uga muuqan kartaa in golayaasha baarlamaanka iyo guurtida Somaliland ay helaan guddi hoosaadyadoodu dhaqaale ay ku hawlgalin karaan noocyada kala duwan ee aqoonyahano ku takhasusay hawlaha ay u xilsaaran yihiin guddiyadaasi, si ay u soo saari karaan talooyin iyo shuruuc ku haboon oo wax tar u leh maamulka dawladda, qaab dhaqankani waa mid furfuran oo wax tar u leh horumarinta dad iyo dalka Somaliland.

Qorshaha Mataanaynta Iyo Iskaashiga Magaalooyinka Hargeysa Iyo Malmo (Sweden)

“Waxa Sweden Tagi Doona Macalimiin Reer Hargeysa Ah”

Madaxa Wefti Reer Sweden Ah Oo Somaliland Socdaal Ku Jooga

Hargeysa (Haatuf): Wefti 5 xubnood ah oo ka yimi magaalada la yidhaahdo Malmo oo ku taal koonfurta dalka Sweden ayaa booqasho ku jooga caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxayna ujeedada booqashadooda Hargeysa la xidhiidhaan iskaashi lagu mataanaynayo Hargeysa iyo magaalada ay ka socdaan ee Malmo, iyadoo ay weftigaasi yimaadeen Sabtidii toddobaadkan.

Weriyayaal Haatuf ka tirsan ayaa Madaxa weftigaa, Mr: Sven Persson xalay cawaysinkii kula kulmay Hudheelka uu degan yahay ee magaalada Hargeysa, waraysina kala yeeshay ujeedada booqashadooda Somaliland, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:


S: Qaabkee ayaad doonaysaan inuu u bilaabmo mataanaynta iyo iskaashiga labada magaalo ee Hargeysa iyo Malmo?

J: Si aanu u horumarino iskaashiga labada magaalo waxa jira laba dariiq oo aanu arintaa u marayno, mid waxa weeye iskaashi aanu ka dhex samaynayno macalimiinta halkan (Hargeysa) iyo macalimiinta magaalada Malmo (Sweden), waxa jira urur xagayaga ka samaysan oo la yidhaahdo kooxda horumarinta waxbarashada ee Somalida, magaalada Malmo-na waxa ku nool bulsho balaadhan oo Somali ah oo ilaa 1400 oo qof ah.

S: Sidee ayuu ku yimi hindisahan mataanaynta iyo iskaashiga ee labada magaalo (Hargeysa & Malmo)?

J: Hindisahani waxa uu ku yimi, nin la yidhaahdo Axmed Daahir oo xili hore wax ka bartay Sweden, gaar ahaan magaalada Upsulla, ka dibna yimi Magaalada Malmo ayey arintaa isla fallanqeeyeen dadka reer Malmo sidaa ayuu ku bilaabmay hindisahani, anaguna waanu soo dhowaynay oo waxaanu is tusnay inay suurta gal tahay, waayo hore ayey magaalada Malmo ugu nooleeyeen Somali badani.

S:  Safarkani ma kii kuugu horeeyey ee aad Hargeysa ku timaadaa?

J: Maya hore umaan iman ee waa safarkii iigu horeeyey, waxaana imi maalintii sabtidii (Toddobaadkan), weftigayaguna waxa aanu ka koobanahay 5 xubnood 4 Nin iyo hal dumar ah.

S: Hargeysa waa magaalo ay dagaalo saameeyey oo u baahan in dhinacyo badan wax lagala qabto, markaa iskaashiga dhinaca waxbarashada oo keliya ma ka sii balaadhinaysaan mataanaynta labada magaalo?

J: Haa waanu ku talo jirnaa, iskaashiga waxbarashaduna waa qayb ka mid ah uun, xubin weftigayaga ka mid ah ayaa kala hadlay maayarka Hargeysa baahiyaha jira iyo sida ay arintaa isaga kaashan karaan magaalada Malmo. Iskaashiga waxbarasho ee Malmo iyo Hargeysa ka sokow waxa isna jira iskaashiga guud ee labada magaalo.

S: Maadaama ay tahay markii kuugu horaysay Hargeysa muxuu yahay farqiga u dhexeeya cimilada Malmo iyo ta Hargeysa?

J: Hargeysa ayaa cimilo ahaan ka diirran Malmo, farqi ayaana u dhexeeya Malmo iyo Hargeysa, Dib u dhis ayaa ka socdey Hargeysa 12-kii sannadood ee aynu soo dhaafnay, laakiin Malmo waa magaalo da’weyn oo jirta boqolaal sannadood, waxayse iskaga mid yihiin dhinaca waxbarashada, waayo macalimiinta halkan joogtaa waxay ku dedaalayaan inay horumar waxbarasho sameeyaan, arintaas oo ah arin la qiimayn karo, runtii laakiin mushahaarooyinka lagu qaato Malmo way ka badan yihiin inta mushahar ahaan Hargeysa looga qaato.

Mr. Sven Persson, isaga oo aragtidiisa ka bixinayaa guud ahaan xaaladda dhulkiii la isku odhan jirey Somaliya iyo gaar ahaan xaaladda hadda ka jirta Somaliland wuxuu yidhi “Sawirka laga bixiyo ee aanu ku aragno Sweden waxa ka dhacaya dhulkii hore la isugu odhan jirey Somaliya waxa uu ahaa keliya dagaal ka socda iyo qabqablayaasha dagaalka ee koonfurta oo uu mid-ba midka kale dagaal kula jiro, run ahaan war kama helo sida ay xaaladdu tahay gobolka ay Somaliland ku taal iyo Hargeysaba, waxay ila tahay inay tahay arin muhim ah in anaga (Weftiga) iyo dadka eer Sweden-ba aanu ogaano inay Hargeysa tahay magaalo nabadgelyo iyo inaad si weyn ugu hawl gasheen inay magaaladu sidaa ahaato iyo dib u dhiska aad ku samayseen waa arin muhimadeeda leh. Warbaahintu waxay inta badan ka warrantaa dhacdooyinka, sida dagaalada oo kale, laakiin way yar tahay in nolosha caadiga ah lagu soo bandhigo telefishinada, taas oo ah ta ugu muhimsan imaatinkayaga halkan”.

Mr. Sven waxa kale oo uu intaa ku daray in mataanaynta labada magaalo ee Hargeysa iyo Malmo ay ka mid tahay macalimiin reer Sweden ah, gaar ahaan magaalada Malmo oo halkan (Hargeysa) iman doona iyo macalimiin reer Hargeysa ah oo tegi doona Malmo ee dalka Sweden, iskuulada Hargeysa waxa aad ugu yar ama u hooseeya qalabkooda waxbarasho.

S: Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland-ba waxa aad ugu yar fursadaha ah inay jaamacado helaan ardayda ka soo baxda Dugsiyada sare, arintaasi xisaabta ma idiinku jirtaa?

J: Waa arin aanu la socono in jaamacaduhu ku yar yihiin Somaliland iyo baahida ardayda ka soo baxda Dugsiyada sare.

S: Dhinaca Kharash maalmeedka nolosha ee Hargeysa iyo Malmo kala duwanaansho ma ku aragtay?

J: Haa waan ku arkay waayo magaalada Malmo nolosheedu aad bay uga qaalisan tahay tan Hargeysa.

Iftiimin Kooban: Magaalada Malmo waa ta saddexaad ee magaalooyinka ugu waaweyni dalka Swdeen, waxaana ku nool dad tiradoodu dhan tahay 270,000 (Laba boqol iyo toddobaatan kun). Caasimadda dalka Sweden waxa, iyana la yidhaahdaa Stalkhome.

Qorshahan mataanaynta labada magaalo ee Hargyeysa iyo Malmo waa kii labaad ee dhexmara magaalooyinka Somaliland iyo kuwa dunida kale, iyadoo ay hore u mataanoobeen magaalada Boorame (Somaliland) iyo Henley (Ingiriiska).

Xubnaha weftigu waxa ay weftiga reer Sweden ee ka socda magaalada Malmo waxay magacyadoodu kala yihiin: Sven Persson oo ah macalin sare oo ka tirsan jaamacado ku taal Malmo, Berehet Yebio oo isna ka shaqeeya jaamacadda magaalada Malmo, Guniha Plannstial oo isna xidhiidhka caalamiga ah u qaabilsan jaamacadda Malmo, Axmed Xuseen (Malmo Community city) iyo Maxamud Samatar (Somaliand Relief Organization Malmo).

Isku-Soo-Bax Lagu Taageerayo Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland Oo Ka Dhacay Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Mudaharaad isu soo bax ah oo ay ka qayb qaateen dadweyne boqolaal qof gaadhaya oo lagu taageerayey qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, isla markaana lagaga soo horjeedo midnimo Somaliweyn ayaa shalay ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana mudaharaadka si weyn uga qayb qaatay ururada ijtimaaciga ah iyo dadweyne kale, iyadoo uu dhinaca kalena mudaharaadkaasi taageero iyo soo dhowayn u ahaa mawqifkii ay dhowaan diblomaasiyiinta Maraykanka iyo dalalka midowga Yurub ka qaateen qadiyadda Somaliland, ka dib markii ay ku dhawaaqeen inaanay shirka dib-uheshisiinta Somaliya ee Nayroobi ka qayb geli karin cid magaca Somaliland sidataa, taas oo ay hadalkooda raaciyeen inay meteli karto oo keliya dawladda ka jirtaa, taasna waxay dadka reer Somaliland ula muuqatay taageero weyn oo siyaasadeed oo ay dawladaha reer galbeedku markii u horaysay u muujiyeen Somaliland. Sidoo kale waxa uu mudaharaadkani diidmo u ahaa hadal ka soo yeedhay safiir ka socda dawladda masar oo toddobaadkan booqasho ku yimi Somaliland, kana dalbaday xukuumadda madaxweyne Rayaale ee Somaliland inay ku biirto shirka Nayroobi, laakiin ay taa xukuumaddu si ba’an ugu gacan saydhay sida ay daboolka ka qaadeen warar ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, iyadoo ay wararkaasi soo baxeen, ka dib markii ay aqalka madaxtooyada kulan ku yeesheen madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo safiirka masar, Salaax Xaliima.

“Maanta waa maalintii u horaysay ee uu caalamku garawsado qadiyadeena, maanta waa taa maalinta aynu u dabaal-degaynaa” sidaa waxa fagaaraha khayriyadda C/laahi Cukuse oo ka mid ah madaxda dawladda hoose ee Hargeysa oo tilmaamaya ujeedada isu soo baxa.

Mudaharaadayaashu waxay aroornimadii hore socod ku mareen qaar ka mid ah jidadka magaalada, wadada laamiga ah ee marta badhtamaha magaalada ee loo yaqaan wadnaha, ka dibna waxay isugu tageen fagaaraha khayriyadda, halkaas oo ay ku soo bandhigeen barnaamijyo kala duwan oo ay muujinayaan dareenkooda la xidhiidha ujeedada mudaharaadka, waxaana fagaaraha khayriyadda ka hadlay dad kala duduwan oo jeediyey khudabado ay ku bandhigayaan ujeedada mudaharaadka, isla markaana waxay mudaharaadayaashu siteen boodhadh ay ku qoran yihiin halku-dhegyo ay ku muuinayaan shucuurtooda.

Inkasta oo ay madaxda dawladda hoose fagaaraha isu soo baxa ka dhex-muuqdaan, haddana mudaharaadkaa waxa la sheegay inay isu soo baxaa soo abaabuleen dadweynaha reer Hargeysa, gaar ahaan ururada bulshada ee ka jira magaalada, waxaana isu soo baxa aad uga dhex-muuqday ururo door ah oo sitey boodhadh ay ku qoran yihiin magacyadooda iyo halku-dhegyo kale, waxaana ka mid ahaa halku-dhegyada ku qornaa boodhadhka ay siteen dadka isu soo baxay “Somaliland ha jirto”, “Waxaanu u mahad naqaynaa dedaalka diblomaasiyiinta Maraykanka iyo midowga Yurub iyo IGAD go’aankooda ay ku tixgeliyeen  qadiyadda Somaliland” iyo weedho kale.

“Waxaanu u mudaharaadayna inaan Somaliland lagu darin Somaliya”sidaa waxa yidhi Wiil yar oo arday ah oo ka mid ahaa dadkii isu soo baxay. “Waxaanu u mudaharaadaynaa in Somaliland la ictiraafo”sidaana waxa tidhi gabadh da’yar oo ka mid ah mudaharaadayaasha. Sidoo kale halku-dhegyadii ay dadkii isugu yimi ama ka hadlay fagaaraha khayriyadda ku dhawaaqayeen waxa ka mid ahaa “Somali weyn dooni mayno”, “Waxaanu u mahad naqaynaa dedaalka diblomaasiyadeed iyo mawqifka ay xukuumadda Soamaliland iska taagtay shirka Nayroobi”.

Maayarka Hargeysa, Axmed-dheere ayaa isna dadweynihii isugu soo baxay fagaaraha khayriyadda waxoogaa hadal ah u jeediyey, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Waad maqlayseen go’aankii laga soo saaray shirka Nayroobi iyo wixii laga yidhi Somaliland, laakiin taasi waxay ku timi markii ay arkeen dadka reer Somaliland hadii wax kasta lagu sameeyo inaanay marna ka noqonayn go’aankooda”. “Hadii adduunka oo dhami isu yimaado sidaa aynu goosanay ayeynu ku adkaysanaynaa sow ma aha”ayuu maayarku kor ugu dhawaaqay, waxayna dadkii hoos tubnaa ugu jawaabeen “Haa”. “Waa isu soo bax ay dadku nagu khasbeen inaanu kala qayb galno oo ay dadweynuhu sameeyeen”ayey intaa ku dareen madaxda Hargeysa.

“Mudaharaadkani waa mid qiimo weyn leh oo aynu ku taageerayno dedaalka ay xukuumaddeenu ka gaadhay diblomaasiyadda caalamiga ah ee la xidhiidha qadiyadda gooni isu taagga Somaliland, markaa aniga oo ku hadlaya magaca haween weynaha Somaliland waxaan xukuumadda Somaliland ee uu hormoodka ka yahay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku hambalyeynayaa guusha ay ka gaadheen diblomaasiyadda caalamka”, sidaana waxa tidhi Foosiya Cabdi Maxamed oo ku hadashay magaca haweenka Somaliland.

Muxumad Cali  oo ku hadlaya magaca ururada ganacsatada suuqyada Hargeysa ayaa isna halkaa ka hadlay.

Marka laga yimaado ururada ganacsatada ah ee ka soo qayb galay isu soo baxaa waxa kale oo, iyaguna dadkii fagaarahaa isugu soo baxay ka mid ahaa kooxo dumar u badan oo hagoognaa maryo cagaarran oo ay dusha kaga qorran tahay “U codee UDUB” . Sidoo kale halku-dhegyada boodhadhka ku qornaa waxa kale oo ka mid ahaa “Doorashadu waa furaha horukarka”. Laakiin dhinaca kalena inkasta oo laga yaabo inay dad ka tirsan ama ka mid ah taageerayaashoodu, haddana fagaaraha isu soo baxa kama ay muuqan dad ama kooxo ku hadlaya ama sita astaamaha ururada mucaaradka ah, taas oo macneheedu yahay inaanay ururada mucaaradku si muuqatay uga soo qayb gelin banaan baxaa. Hase yeeshee lama oga sababtu waxa ay tahay inay iskood uga habsaameen iyo inaanay waxba ka ogayn.

Wefti Guddiga Doorashooyinka Ah Iyo Dadka Reer Gebilay Oo Foodda Is Daray

Gebilay (Haatuf): Wefti ka kooban saddex xubnood oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa khamistii shalay booqasho ku tegay degmada Gebilay, waxayna xarunta dawladda hoose shir kula yeesheen madaxda maamulka degmada Gebilay, hawl-wadeenada ururada siyaasadda ee Xafiisyada Gebilay, madax-dhaqameed, duqay iyo wax garad reer Gebilay ah.

Weftiga guddiga doorashooyinka oo uu hogaaminayey gudoomiye-xigeenka guddiga doorashooyinka, C/laahi Cabdi X. Cumar waxay dadkii ay la shireen kala hadleen arimo la xidhiidha doorashooyinka, taas oo ay dhinacyadu ka wada hadleen waxyaalaha ka qabyada ah doorashada dawaldaha hoose ee loo qabtay 15-ka bishan Oktoobar ee aynu ku jirno. Hase yeeshee dadka reer Gebilay iyo weftigaa waxa dhexmartay dood dareen dhalisay, waxayna dadka reer Gebilay farta ku fiiqeen laba arimood oo ay ka muujiyeen dareen xasaasi ah, labadaa arimoodna waxay kala yihiin arin ku saabsan xuduudaha degmadooda oo la sugo iyo arin kale oo ku saabsan qaadka oo hadda diyaarad lagu keeno madaarka Hargeysa, iyadoo uu marinka ugu weyn ee uu qaadku ka soo degi jirey ahaa Kastamka Kalabaydh, taas oo ay degmada Gebilay ku wayday dakhli badan oo ka soo geli jirey cashuurta qaadka.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan, waxa shirkaa ka hadlay Madaxa weftiga guddiga doorashooyinka, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaanu u nimi inaanu samayno guddigii doorashada ee degmadan iyo goobihii laga footayn lahaa iyo xafiisyadii lagu shaqayn lahaa xiliga doorashada iyo dadka la wacyi geliyo”, isaga oo C/laahi tafaasiil ka bixiyey sifaha iyo shuruudaha looga baahan yahay qofka xubin ka noqonaya guddiga doorashada degamda iyo waxyaalaha looga baahan yahay hawlaha doorashada guud ahaan “Waxaanu jecel nahay in halkii sanaaduuqda dastuurka la dhigay waa in kuwana la dhigo”ayuu yidhi, iyadoo uu isna halkaa ka hadlay Muuse Jaamac oo ka mid ah weftiga.

Maayarka Gebilay, Xasan Xaaji Yuusuf ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna farta ku fiiqay dhibaato dhinaca xuduudda ah oo haysata degmadiisa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “waxaanu ka xishoonaynaa qaranimada Somaliland, mar walbana ma aha inaanu cabano, mana doonayno inaanu Qaranka khalkhal gelino, laakiin waxaanu rabnaa in xuduudaha degmada la hagaajiyo oo ay xukuumaddu wax ka qabato xuduudaha degmada, anagu ma doonayno inaanu ku xad gudubno degmooyinka aanu jaarka nahay, waxaanuse doonaynaa in xuduudaha degmada la cayimo”.

Waxa kale oo, iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka kala tirsan ururada siyaasadda, sida Daa’uud Khayre oo KULMIYE ka tirsan, Xaseen Soobe oo UDUB ka tirsan, Axmed Barre oo BIRSOL k tirsan, Ibraahin Axmed Xasan oo HORMOOD k tirsan iyo xubno kale. “Waqtigii distoorka loo codaynayey waxa Gebilay ku dhaawcmay 18 qof, sidaa darteed waa in sanaaduuqda la kordhiyo oo laga dhigo 84, halkii ay ka ahayd 34” sidaa waxa yidhi Xuseen Soobe. “Degmada ilaa xuduudeheeda la sugo waxaan leeyahay food ka dhaci maayo, waayo dhulkii degmadu lahayd waxa qaybsaday 7 degmo oo kale, sidaa darteed hadii aan taa la hagaajin waxaanu leenahay doorasho dhici kari mayso”, sidaa waxa yidhi Ibraahin Axmed Xasan oo madax ka ah xafiiska HORMOOD ee degmada Gebilay. “Doorashada waanu doonaynaa, laakiin waxa loo jeedaa waxa weeye in xuduudaha degmada la saxo” sidaa waxa isna ku tiraabay Daa’uud Khayre (KULMIYE).

Waxa kale oo isna dadkii shirkaa ka hadlay ka mid ahaa Xuseen Muuse Cirday oo ka mid ah odayaasha reer Gebilay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Kastamka Kalabaydh mooyee qaadku weligii meel kale inuu maro looma ogolaan jirin, maantana intay diyaaradi Itoobiya ka soo qaaday ayey madaarka Hargeysa ka dejisay, taasina waa arin lala yaabo oo ah Gebilay daadku ha qaado”.

Guud dadkii shirkaa ka hadlay ee reer Gebilay waxa dareenkooda laga akhrisanayey waxoogaa xaraarad ah, sidaa darteed markii ay dooddu halkaa maraysay, shirkuna uu gebagebo yahay ayuu Madaxa weftiga guddiga doorashooyinku hadalka qaatay si u dejiyo dareenka dadka, wuxuuna yidhi “Waxoogaa waxaad moodaa inuu dareenku kacay, laakiin aniga oo ka jawaabaya dareenka aad muujiseen, anagu xukuumadda waanu u gud-binay arinta xuduudaha, wayna ka jawaabtay oo waxyaalaha ay qabatay waxa ka mid ah arintii caadda oo la dhameeyey, xuduuduhuna ma aha arin qabiil ee waa arin dawladeed, xuduudaha goboladana waa la cayimay oo 6-dii degmo ee uu Ingiriisku magacaabay xuduudihii ay lahaayeen weeye soohdimaha gobolada dalku”, laakiin Madaxa weftigu mar kale, isaga oo ka jawaabaya arinta qaadka diyaaradda lagu keeno ee ay reer Gebilay farta ku fiiqeen wuxuu yidhi “Ereygan ah qaadka diyaaraddu keentay waa xasaasi, waxaanuna u gud-bin doonaa xukuumadda”.

Siyaasiyiinta Ururka UCID Oo Eedaymo Kulul U Jeediyey Masar, jabuuti, Talyaaniga Iyo Carabaha Kale

 

Hargeysa (Haatuf): Siyaasiyiinta ururka UCID ee Somaliland ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Restuorest Bile ee magaalda hargeysa iyagoo kaga hadalay qodobada kala ah, mawqifka Somaliland ay ka taagan yihiin Masar, Djibouti dalalka kale ee Carabta iyo Talyaanigu arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo waxbarashada.

Siyaasiyiinta ururka UCID ee ka qayb galay shirkaa jaraa’id ee shalay dhacay waxaa ka mid ahaa gudoomiyha UCID, faysal Cali Waraabe, xoghayaha guud ee UCID, Axmed Muuse Geedi (Sanjab), Xasan Cabdi Maxamed (Xasan Xaydh), Gudoomiyaha UCID ee Gobolka hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, xoghayaha maamulka ee UCID.

Gudoomiyaha ururka UCID oo shirkaa Jaraa’id ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaanu si buuxda u soo dhawaynaynaa go’aanka ay gaadheen wadamada reer galbeedka ee ay ka soo saareen diblomaasiyiintoodu Nayroobi doraato, go’aankaas oo si qayaxan u sheegaya inaanay Somaliland ka soo qayb galayn shirka dib u heshiisiinta ee ka dhacaya Nayroobi bisha 15keeda, ee arrimaha Soomaalida, ah, isla markaasna ay deeqda ka saartay kuwii biidhi qaatayaasha ahaa ee magaca Somaliland ku tagi jiray, kuwii sii socdayna u quus goysay, isla markaa waxaanu aad iyo aad u cambaaranaynaa mawqifka Masaaridu ay ka taagan tahay arrimaha Somaliland iyo wadamada kale ee carabtu-ba, maamulka Djibouti iyo Talyaaniga, waxaanu dawladda ku boorinaynaa inay dib u eegto xidhiidhka Somaliland iyo wadamada carabta, oo haddii loo baahdo lagu joojiyo wax alle wixii xidhiidha.” Xoghayaha Guud ee ururka UCID, Axmed Muuse Geedi (sanjab) oo ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa yidhi; “Shalayto markii aanu la kulanay danjiraha Masar u fadhiya Nayroobi waxaanu u sheegayn haddaanu nahay (UCID) haddaan ognahay inaad imanayso waxaanu kaala hor iman lahayn mudaharaad. Waxaanu u sheegay Masar inay tahay kuwa ka shaqeeyay farsamda lagu go’doomiyay Somaliland dhaqaale iyo siyaasadba. Waxaanu u sheegnay in maanta si cadaana ay u gawraceen dhaqaalaheena. Waxaanu u sheegnay haddii marka uu fariintaas gaadhsiiyo ay degdeg uga soo noqon waayaan in dib dambe wefdi masaariya oo si nabadgelyo ah uga soo degaya garoomada Somaliland aanu jiri doonin, haddaanay ka badalin cuna qabataynta ay dadkayaga ku hayaan, waxaananu nidhi naga gaadhsii dadka masaarida ah ee walaalaha aanu nahay, laakiin dawladda Xusni Mubaarika waa cadowgayaga koowaad, iyaga iyo Talyaaniguba.”

Mr. Axmed Muuse Geedi, Xoghayaha UCID, wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “Dhaqaalaha wadanku, horta miisaaniyaddu waa $ 37 milyan (Toddoba iyo sodon milyan oo dollar), haddii musuq-maasuqa la sheegayo ee cirka maraya la joojiyo, miisaaniyaddu waxay noqonaysaa boqol milyal oo dollar. Waxaanu leenahay meeyaradii is-sharaxay ilaa xisaabtooda la xidho, la baadho waa xaaraan in ay is-sharaxaan, musharax in ay noqdaana maaha, waa in aan laga yeelan hanti ummadeed, wasiirkana sidaas si le’eg. Wasiirka guddiga dhexe ku jira iyo guddiga fullinta ee ururka UDUB, waa in la baadhaa xisaab-xidhkiisa, haddii kale tartan nala gelimaayo, waa xaaraan, maxkamaddaanu tegaynaa.”

Mr. Axmed Muuse Geedi, isagoo shirkaa Jaraa’id ka hadlaya dhinaca masuuliyadda Saxaafadda, wuxuu yidhi; “Maqaalada aad qoreysaan ee aad buun-buuninaysaan wax bilaa macno ah. Waar maqaalba maqaalka uu ka muhiimsan yahay walaalayaal faafiya, oo wadanka waxaad tihiin quwadda saddexaad, waar maqaalo wan-wanaagsan oo dadka wanaagsani soo qoraan een bukin ee caafimaadka qabee mustaqbalka u dirirka ah, wax ka qora.”

Guddoomiyaha UCID ee Gobolka Hargeysa, Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka hadlayay dhaliisha Waxbarashada ee muuqata gaar ahaan magaalada Hargeysa, ayaa sheegay oo yidhi; “Marka laga bilaabo xaafadda Daami ilaa Jigjigga yar in aanay lahayn Dugsi Sare oo Waxbarasho oo ku yaal halkaas, dhulkii danta guud ee laga sameyn lahaana waxaa iibsaday kuwa dawladda hoose ee uu dhulku khuseeyo, haddii Maamul hagaagsani jiro waxaa la odhan lahaa marka wax laga dhisayo meel aan cidi joogin, waxaa la odhan lahaa halka dadku joogo een Secondary iskuulka lahayn ka dhisa.”

Dhaliilaha dhinaca adeegga Waxbarashada, waxaa isna ka hadlay shirkaa Jaraa’id Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, Xoghayaha Maamulka UCID oo sheegay inuu ku soo arkay deegaanka Go’a hal macalin oo wax u dhigga saddex fasal iyo in macalinkaasi uu ku tiirsan yahay dhaqaale ahaan dadka deegaankaas. Maxamed Cabdillaahi, waxaa kale oo uu intaa ku daray in dugsiga sheekh Cali Ibraahim ee Hargeysa ay dhibaato ka jirto, sidii looga rari lahaa dad iska dhex degay dhulkii iskuulkaas.

Safiirka Masar Oo La Kulmay Shirgudoonada Baarlamaanka Somaliland

Hargeysa (Haatuf):Safiirka masar u qaabilsan Somaliland iyo soomaaliya oo fadhigiisu yahay magaalda Nairobi ee dalka Kenya Salaax Xaliima oo booqasho laba maalmood ah dalka ku yimid ayaa shalay la kulmay shirgudoonka labada gole ee baarlamaanka Somaliland.

Kulankaasi oo ka dhacay xarunta golaha guurtida Somaliland waxaana shirgudoonada kulankaa ku weheliyay gudiyada arrimaha dibada u qaabilsan labada gole waxaa ay safiirka kala hadleen mawqifka Somaliland ee ku aadan shirka Nairobi iyo sida loogu baahanyahay inay Masar u tixgaliso rabitaanka dadka reer Somaliland ka horna waxa safiirka qaabilay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland M. Daahir Rayaale Kaahin, oo si kulul u dhalillay mawqifka Masar ee ku aadan Somaliland sida lagu sheegay war saxaafadeed kulankaa uu ka soo saaray afhayeenka madaxtooyada madaxweynuhu waxa uu safiirka u sheegay inaanu maanta ka filayn Masar inay la soo qaado Somaliland wax ku saabsan ka qayb galka shirka Nairobi iyadoo ay masar xog-xogaal u ahayd waayihii ay soo martay Somaliland laga soo bilaabo cahdigii bqortooyadii cusmaaniyiinta safiirka Masar waxa kaloo isla shalay qaabilay wasiirka warfaafinta ee Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale oo ay isla soo qaadeen sdii ay Masar gacan uga gaysan lahayd hawlaha warfaafinta ee Somaliland Safiirka Masar Saalax Xaliimo isla shalay galinkii dambe ayuu ka ambabaxay dalka.

“Waxa Jira Dad Lacag La Siiyo Si Ay U Qirtaan Aids-ka”

Dood Ka Furantay Boorame                                                                                    

Boorame (Haatuf): Badhasaab-xigeenka gobolka Awdal, Maxamed Xasan Axmed ayaa shalay hoolka shirarka ee xarunta dawladda hoose ee Boorame ka furay dood-cilmiyeed lagu gorfaynayo geedi socodka barnaamijyada ku saabsan la dagaalanka cudurada Aids-ka iyo qaaxada, waxaana dood-cilmiyeedkaa soo qabanqaabiyey xubno ka mid ah dadka aqoontu leh ee reer Boorame iyo ardayda jaamacadda Boorame.

Waxa kale oo, iyaguna munaasibadii furitaanka dood-cilmiyeedaa ka qayb galay maayarka Boorame, Maxamuud Muuse Bahdoon iyo madaxda caafimaadka Boorame, Culima’udiin, xubno ka socda ururada haweenka qaarkood,hawl-wadeeno ka socda cusbataalka TB-da Boorame iyo martisharaf kale.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame, Badhasaab-xigeenka Awdal ayaa ujeedada dood-cilmiyeedkaa ku tilmaamay in lagu fallan-qayn doono sidii loo dawayn lahaa dareen uu sheegay inay beryahan dambe muujiyeen qaar ka mid ah dadka reer Boorame, kuwaas oo uu ku andacooday ama leh barnaamijyada la dagaalanka Aids-ka iyo TB-du waxay keeneen dhaawac iyo sum-cad xumo, sidaa darteedna ay dood-cilmiyeedani noqoto mid lagu lafogurayo dhibaato iyo wax tar midka ay gobolka u leeyihiin barnaamijyadaasi.

Maayarka Boorame, Maxamed Muuse ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna tilmaamay inay dad badan oo reer Boorame ahi fekrado kala duwan ka qabaan mashaariicda la dagaalanka Aids-ka iyo TB-da ee gobolka ka socda, taas oo ay iswaydiintu tahay inuu barnaamijkaasi dan u yahay gobolka iyo inuu waxyeelo u yahay, sidaa darteed buu yidhi maayarku “loo baahan yahay in laga wada hadlo”.

C/laahi Meecaad Hoorri oo ka socda jaamacadda Camuud, kana mid ah dadka soo qaban-qaabiyey dood-cilmiyeedkan ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna daadefeeyey sheekada ah in wax horumar ah laga gaadhay barnaamijyada caafimaad ee la dagaalanka Aids-ka iyo TB-da. “Gobolka Awdal, gaar ahaan Boorame waxay noqotay goob lagu daawado muuqaalada xun-xun oo ka yimaada cudurada Aids-ka iyo TB-da, muuqaaladaas oo ay warbaahinta caalamka ku baahiyaan dad aan u dhallan gobolka, kuwaas oo lacag lagu siiyo inay qirtaan inay qabaan xanuunadaa (Aids & TB)”, sidaa waxa ku dooday C/laahi Meecaad, isaga oo intaa ku daray “dadka noocaas ah waxa laga soo ururiyaa ama looga yeedhaa dalalka deriska iyo meelaha kale ee debedaha ah ee laga heli karo cusbataalada lagu daaweeyo dadka xanuunadaa qaba, sidaa darteed waa in bulshada reer Boorame laga takooro dadka noocaas ah ee aan u dhallan”.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay oo ka socday cusbitaalka TB-da Boorame, wuxuuna sheegay dadka aan gobolka u dhallan ee jiifa cusbataalka inay yihiin dad la damiintay oo sheegay inay qaraabo yihiin dad reer Boorame ah, hadii kale aanay yeeleen.

“Lama qiyaasi karo dhaawaca iyo sumcad xumada uu cusbataalka qaaxada Boorame soo gaadhsiiyey dadweynaha reer Boorame”sidaa waxa tidhi Sucaada Nuur oo ku hadlaysay magaca ururada haweenka. Sidoo kale fanaanada Ruun Xaddi Sabban ayaa iyana ka hadashay halkaa iyo sidoo kale isu duwaha caafimaadka gobolka, C/raxmaan Jaamac, wuxuuna ku dooday in la kala saaro la dagaalamka Aids-ka iyo TB-da, isaga oo si gaar ah eedda arintaa dusha uga saaray hay’adaha UNICEF iyo ICD oo ku tilmaamay inay hawlihii caafimaadka maqas ugu jarjareen ururo, waxaana ugu dambayn la isla qaatay guddi ka soo baaraandega arintan dooddu ka taagan tahay.

Deg. Buuhoodle Oo Loo Magacaabay Guddi Doorasho

Burco (Haatuf): gudida doorashooyinka Somaliland ayaa magacaabay guddi hoosaadkoodii doorashooyinka ee Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer weriyaha Haatuf ee Gobolka Togdheer Liibaan Maaweel Shire ayaa ku soo waramay in magaacbista guddidaasi ay soo baxday dabayaaqadii todobaadkan xubnahaa loo magacaabay gudida doorashooyinka ee Degmada Buuhoodle ay kala yihiin Maxamed Xirsi Xoosh, Gudoomiye Cumar Maxamed Muuse G/Ku-Xigeen, Faarax Axmed Kaarshe, xoghaye, Ismaaciil Maxamed Jaamac Hubiye, Cabdilaahi Maxamuud Maxamed tiriye, Maxamed Maxamuud Ibraahim tiriye.

Weriyaha Haatuf, Liibaan Maaweel Shire wuxuu kale oo uu soo sheegay in xubnaha guddigaasi lagu dhaariyay meel fagaare ah, halkaas oo uu ugu waramay gudoomiyaha guddida doorashooyinka ee Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami. Warkani wuxuu intaa ku daray in wefti ka socda guddiga doorashooyinku ay u ambabaxeen degmada Buuhoodle, wefdigaas oo ka koobnaa afar xubnood oo kale ah Axmed X, Cali Cadami, (Gudoomiye), Shugri X. Ismaaaciil, Maxamuud Garaad Maxamed, Maxamed Aden Cali Goodir. Maxamuud Garaad oo ka mid ah gudiga doorashooyinka ee Somaliland kana soo jeeda deegaankaa, ayaa sida uu ku soo waramay weriye Liibaan Maaweel shire isagoo isbarbar dhigay xaalada magaalada Laascaanood iyo tan degmada Buuhoodle ayuu yidhi; “Ma jiro qof qori sitaa magaalada Buuhoodle dhexdeeda,” halka buu yidhi Laascaanood hubka la wada sito.

Haddaba sababta laas-caanood, dhibaatada intaa leegi uga jirto, ma waxaa u sabab ah garaadada, ugaasyada, suldaamada, iyo boqorada dhex fadhiya ee ka taliya waxa Buuhoodle ka taliya cuqaal midaysan, mise cuqaasha Laascaanood ayaa gabay kaalintoodii oo iloobay xilkii ay bulshada u hayeeen, mise isimada caqabada ku noqday wax qabadkii cuqaasha,” sidaas waxa yidhi Maxamuud Garaad Maxamuud oo ka tirsan guddiga doorashooyinka oo u waramayay weriyaha Haatuf ee Togdheer Liibaan Maaweel Shire.

Ingiriiska iyo Ruushka oo Isku Khilaafay weerar Lagu Qaado Ciraaq

London (W. Wararka): Ra’iisal wasaarahadalka ingiriiska Tony Blanir ayaa shalay ka digay in xoog loo adeegsan doono ciraaq haddii ay ciraaq diido in ay burburis hubkeeda halista ah isaga oo ku baaqay in loo baahan yahay qaraar cusub oo ka soo baxa golaha amaanka qaramada midoobay kaasoo uga digaya madaxweyne Sadaam Xuseen in xoog lagu muquunin doono.

Mr. Blair oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Blackpool, waxa uu intaa ku daray in aanu xaaraan ahayn xoog la siticmaala haddii si xasilooni ah wax lagu waayo balse waxa uu muujiyay haddana inuu doorbidayo in marka hore waan waan wax lagu dayo. Dhinaca kale Ruushka ayaa dhinciisa ku gacan saydhay in xoog loo adeegsado ciraaq iyo inuu qaraar cusubi kasoo baxo golaha amaanka oo dhaleecaynaya ciraaq. Dhawaaqan oo ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka waxa uu intaa ku daray in hanjabaada kasoo yeedhaysa maraykanka iyo Ingiriisku ay tahay midaan loo dul qaadan karin Ruushkuna uu ka soo horjeedo in xoog la isticmaalo balse uu taageersan yahay in la soo celiyo hawlihii baadhayaasha hubka ay ka hayeen ciraaq arrintana lagu xaliyo si dublamaasiyada ah xoogna aan la isticmaalin.

Madarasada Salmaan Alfaarisi Oo Qaadatay Manhajka Waxbarashada S/Land

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Hargeysa Axmed Cali Toor, ayaa sheegay in Madarasada Salmaan Alfaarisi oo ka mid ah Dugsiyada gaarka ah ee Hargeysa inay qaadatay manhajka Wasaarada Waxbarashada ee soomaaliland iyadoo hore u dhigi jiray manhajyo kale oo u badan kuwa dalalka carabta ah.

Gudoomiyaha oo maalintii Arbacadii xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta dalka wax uu madarasada salmaan Al faaris uu ku amaanay talaabada  ay qaaday oo uu ku tilmaamay mid ku dayasho leh loona baahan yahay inay dugsiyada kale ee gaarka ahi sidaasoo kale yeelaan.

Isaga oo gudoomiyuhu si guud uga hadlayey Dugsiyada gaarka ah waxa uu sheegay inay kaalinweyn kobcinta Waxbarashada maadaama ayuu yidhi aanay Wasaarada Waxbarashadu awood u lahayn inay dadka reer soomaaliland wada gaadhsiiso Waxbarashada bilaash ah gudoomiyuhu waxa uu balan qaaday inay taageero u fidin doonaan madarasada salmaan al faarisi iyo inay dhammaan kormeer kusoo samayn doonaan Dugsiyada gaarka ah arinta manhajka kala duwan ee lagu dhigo Dugsiyada gaarka ah ayaa dhibaato ku ahayd guud ahaan ba dayarta wax baranaysa halista manhaj midaysan oo ka dhexeeya dhammaan Dugsiyada waxa uu wax weyn ka tarayaa nidaaminta wax barashada Somaliland.

Quruxdeedaa Nababtay Qalalaasaha Nolosheeda

 

Qaybtii 7aad

 

Mashxaradda is-qabsatay markii ay gawaadhidu sidday qoyska u geed fadhiisanayay Luul Goohe ay iyagoo xidhiidhsan soo gaadheen guriga reer Goohe Guuleed oo ay uga soo degaan hanaan qurux badan, iyagoo Go’yaal Shaal ah ku sida Geedka Qaadka iyo lacag oo gacmaha la isku weydaarsado Golaha Fadhiga gabadh is-weydiisi ee sidan oo kale ah.

Qoyska inanta looga fadhiisanayay oo uu galabtaa isna hal doorka ragga fadhiyay ka mid ahaa Saalax oo ah Luul Adeerkeed, ayaa salaan iyo soo-dhaweyn ku qaabilay gacalka cusub ee ay galabtaa xididayeen. Ubax sidii fooladeed ah oo lagu daadiyay Guriga, hirar udgoon oo cadaro si talan-taali ah ay ugu soo dhaweynayeen hablo waday hawl-maalmeedka maalintaas ee guriga reer Goohe oo kala ahaa, Ruun Raydal oo ah Luul habro-wadaagteed oo ka timid Boorama iyo Filsan Raage oo iyana Luul ay Ilmo-abti yihiin oo Burco ay ka dalbatay Ina-abtideed Luul, tiro kale oo hablo ah, ayaa iyaguna hawlaha sharaabka iyo shaah diyaarinta waday, iyagoo si goos-goos ahna uga sanqadhinayay mashxarad keentay in agagaarkaas laga dareemo in gadhcas ay ku guda jiraan hido yagleel qoys cusub oo ku soo biiraya bulshada, iyagoo taa u maray dariiqa guur ee ku caanka ah dhaqanka soo jireenka ka ah deegaanada Somaliland iyo Soomaalida kaleba.

Is-baris wajiyada isku cusub kadib, waxaa la is dhaafsaday kaftan guudmar iyo is-gun xaadhasho ah, laakiin madaama arrinta loo ballansanaa waxaa bilaabay ujeedadii socodkooda Caydiid oo gudbiyay codsiga in la siiyo Luul Goohe, Najiib Cali. Saalax Guuleed oo Luul Adeerkeeda, ayaa isna ku dhawaaqay in ay siiyeen Luul, Najiib Cali, kadib Caydiid ayaa gudoon iyo gabaati jaad iyo lacag isugu jira, gudoonsiiyay Saalax, isagoo Caydiid uga mahadceliyay Saalax iyo Xaaji Cali Madhaafaan-ba, sida fiican ee ay; u qaabileen iyo sida ay uga aqbaleen arrinta dhaqan ee ay ula yimaadeen, isagoo Caydiid raaciyay in Meherkiina xafladdan uu u raaco, taas oo dhinaca reer Guuleed oo ah Luul qoyskooda weydiinta qudha ee ka soo baxday ay ahayd in ay Sheekh wataan meheriya iyo taas ku dhamaatay in uu Sheekhii fadhiya xafladda.

Markii uu meherkii dhacay, ayaa jawigii guriga ay aad uga dananeen mashxaradda iyo dhawaaqyada kale ee farxadda lagu muujiyo. Sidaas ayay ku amba-baxeen qoysaskii inanta guursaday iyo Luul oo noqotay xaaska Najiib Cali Madhaafaan.

Habeenkaa Najiib, wuxuu u seexday si niyadda oo aanu u seexan tan iyo intii ay la soo deristay barashada Luul oo si sibiqa uu ula kulmay Najiib, hase yeeshee noqotay arrin xoog weyn oo Jilmadatay dhammaan wadnihiisa, maskaxdiisa iyo saacadaha nolol maalmeedkiisa. Najiib in badan ayuu is diidsiiyay sida ay dhab u yihiin sheekooyinka iyo dhacdooyinka la xidhiidha arrimaha jacaylka, laakiin doorkan wuu u garaabay markii uu isagii jilbaha dhigay jacayl ee ay jiif iyo socodba ay horjoogto Luul ee ay badatay hilmaankiisa, ku hadaaqeeda iyo xataa riyo kula sheekaysigiisu, laakiin hadda Najiib wuu yara nafisay oo Luul, ayaa noqotay xaaskiisa, iyadoo ay tallaabada tan geed-fadhiisiga ku xigtaa ay tahay guri-gal iyo nolol bilowgii cusbaa ee qoyska reer Najiib.

Luul qudheeda, waxaa u korodhay oo ay u gudubtay derajada Marwo oo leh ixtiraamkeeda iyo kaalinteeda bulsho, saaxiibadeed Amuun Cabdalle oo mararka qaarna ay asxaabteedu u raaciyaan magaceeda naanaysta aabaheed oo ah Dhuxul, waxay ugu yeedhaan Amuun Dhuxul, maalintii la bixiyay Luul iyadu waxay ahayd inanta la fadhiday Luul, sida milxiisadda oo kale, maadaama ay tahay saaxiibadeeda ugu dhow ee ay ku kalsoon tahay ee ay yaqaanaan qoyska reer Goohe iyo iyagoo ah saaxiibo isku soo ag barbaaray ilaa dhalashadoodii.

Imtixaankii dugsiga dhexe, Luul way ka hadhay tan iyo intii uu soo baxay hadal-haynta guurkeeda. Luul waxay u baydhay dhinaca is qurxin iyo jawi cusub oo ay isu diyaarinayso in ay noqoto Marwo, haddiise Luul la weydiiyo sababta ay arrintaa u xiisaynayso, may ahayn su’aal ay Luul kaga jawaabi karto ereyo afka ah, laakiin waxay hubtay in qalbigeedu uu u heelan yahay inuu dego heer nololeedkaa, inkastoo ay nolosheeda ay gurigooda ku haystaaba ay tahay mid la koolkooliyo oo loo huro waxay u baahan tahay. Arrintaas oo Luul ku sii xoogeysatay, kadib markii ay si gaar ah u kulmeen Luul iyo Najiib oo ay yeesheen ballano joogto ah meherkii kadib.

Najiib wuxuu noqday inan loo han weyn yahay xaga reerkooda, kadib mehersigii Luul, hooyadii Cawo Rabi iyo Aabihii Cali, ayaa noqday kuwa meel iska dhigay dhaliil hoose iyo werwer ay ka werwersanayeen inuu inankoodu maro wado aanu rug iyo raastoona yeellan oo ah, habeen ku dhaaf, iyagoo ugu sed buriyay soo xulashada Luul in ay noqoto xaaskiisa oo ay u arkeen in da’ ahaan ay Luul ku haboon tahay oo uu la dhaqmi karo Najiib.

Najiib, waxaa ku sii tallaalmay jacaylkii ka bilowday aragtidii Luul, markii ay noqdeen mataane jacayl oo ay wadaagaana kulamo keenay in ay noqdeen laba qof oo aan cidi kala dhexmari Karin.

Xaaji Cali Madhaafaan, wuxuu Najiib u magacaabay oo uu furihiisana gacanta ka saaray mid ka mid ah guryo tiro badan oo ah hantidiisa, si uu u noqdo hoyga qoyska cusub ee reer Najiib Cali. Xaaji Cali Madhaafaan, wuxuu oggaa in uu inankiisu haysto hanti ku filan oo ku dhammaysan karo hawshiisa guri-gal, haddana maadaama uu yahay ilmaha qudha ee qoyska reer Cali Madhaafaan, waxaa Najiib loo qorsheeyaa dhinaca Xaaji Cali lacag loogu talo-galay in ay kaga qaybto kharasha iibka alaabta loo baahan yahay ee guriga reer Najiib iyo wixii kharasha ee kale ee yimaada.

La soco maalmaha Axadda, Isniinta, Salaasada, Arbacada iyo Jimcaha.

Xoojinta Nidaamka Maamulida Ee Adeega Caafimaadka.

 

Xoojinta ama toosinta nidaamka maamullida ee adeega caafimaadka waxa laf dhabars u ah dhisida iyo abaabulidda xafiiska qorsheybta agabka (material planning) iyo waaxaha ay Wasaarada caafimaadka ka kooban tahay ee kala ah;

ü         Waaxda maaliyada (finance)

ü         Waaxda soo iibinta iyo qandaraasyada (procurement)

ü         Waaxda maamulka iyo shaqaalaha (Administration and personnal); iyo

ü         waaxda adeegyada guud (external services)

Hase yeeshee waxaa aynu ku shaqaynaynaa ictiqaadka (Assumption) ay waxaha Wasaarada caafimaadka ay yihiin abaabulo (Organization) loo sameeyay inay kaabaan qorsheynta agabka. Xafiiska qorsheynta agabka waxaa uu xilsaaran yahay hawlaha kala ah.

Hawsha 1aad: sugida baahida cusbitaalka iyo xarumada kale ee adeega caafimaadka ee agabka daawooyinka raashinka iyo biyaha la cabo

Hawsha 2aad: Qorsheynta qalabyada guud ee cusbitaalka; qalabka shay baadhka,,sawir jidhka(X-ray), kaydinta dhiiga iyo qaliinka(surgery), qalabka waadhadhka. Xafiisyada,gaadiidka iyo qalabyada kale ee looga baahan yahay bukaan socodka iyo gargaarka degdega ah.

Hawsha 3aad: Qorsheynta dhismayaasha cusbitaalka iyo xarumaha caafimaadka ee kala duwan, xafiisyada iyo goobaha shaqada IWM

Hawsha 4aad:sugida shirkadaha dalka iyo Caalamka ee laga soo iibsan karo agabka daawooyinka iyo raashinka iyo kuwa iibiya qalabka kala duwan ee adeega caafimaadka iyo shirkadaha lala gali karo heshiis yada ku saabsan dhisidda qaybinta cuntada (catering) iyo tababaridda shaqaalaha adeega caafimaadka waxa kale oo hawsha 4aad ku jira in la ururiyo isla markaa inla diiwaan galiyo macluumaadka ku saabsan qiimaha ama sicirka agabka adeega caafimaadka haseyeeshee, qaybaha soo socda waxa aynu ku qaadaadhagaynaa arimo la xidhiidha abaabulidda xafiiska qorsheynta agabka iyo waaxaha Wasaaradda caafimaadka.

(1) XAFIISKA QORSHEYNTA AGABKA

xafiiska qorsheynta agabku waa unug hoosaad(sub-unit)ka tirsan unugga maamul ee xafiiska agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka. Xafiiska qorsheynta agabku wuxu xafiisyo ku leeyahay xarunta dhexe ee Wasaarada caafimaadka iyo degmooyinka dalka sidaa awgeed waxa loo baahan yahay in lagu qalabeeyo kuraasi miisas ka badho iyo qalabka kombiyuutarka ee lagu ururiyo macluumaadka kala duwan ee agabka adeega caafimaadka sidoo kale waxaa looga baahan yahay inuu yeesho maktabad (library) lagu hayo buugaagta tixraaca iyo kataloogyada shirkadaha ee khuseeya caafimaadka Dhinaca kale xafiiska qorsheynta agabka waxaa ka hawl galaya shaqaale madani ah (civil servant) ooleh xirfado kala duwan , shaqaalaha kalkaalinta (support staff), iyo khabiiro ku takhasusay hawlaha la xidhiidha qorshaynta agabka iyo farsamada hindisaha (Engineering).

Fulinta iyo hirgalinta hawlaha uu qaabilsan yahay xafiiska qorsheynta agabka waxaa saldhig u ah xaashiyaha shaqada ee kala ah:

ü         Xaashida qorsheynta agabka (material planning sheet)

ü         Xaashida codsiga agabka (material requisition)

ü         Xaashida dalabka iibinta (purchases order)

Hase yeeshee agabka la qorsheeyey waxa u xilsaaran in la soo iibiyo waaxda soo iibinta iyo qandaraasyada ee Wasaarada caafimaadka. Waaxda soo iibinta iyo qandaraasyadu waxay ku shaqaysaa macluumaadka uu siiyay xafiiska qorsheynta agabku.

(2) WAAXDA MAALIYADA

Waaxda maaliyada ee Wasaaradda caafimaadka waxay ka kooban tahay unugu maamul oo ay masuuliyiin sare u madanyihiin waxaana ka mid ah:

ü         Masuulka xisaabinta guud

ü         Masuulka miisaaniyada caafimaadka

ü         Masuulka hanti dhawrida gudaha

ü         Masuulka diiwaan gelinta hantida raagta

Hase yeeshee masuuliyiinta iyo shaqalaha kale ee ku sugan unugyada maamul ee waaxda maaliyaddu waxay ku shaqaynayaan hanaanka xisaabinta ee caalamka laga aqoonsanyahay isla markaana uu Golaha wasiiradu ansixiyay dhinaca kale waaxda maaliyaddu waxay u xilsaaran tahay inay ka caawiso xafiiska qorsheynta agabka arrimaha ku saabsan dhinacyada kharashka iyo miisaaniyadda. Siaa awgeed waaxda maaliyadda ee Wasaaradda caafimaadka waxa looga baahan yahay khabiirokala taliya dayinta hanaanka xisaabinta ee Caalamka laga aqoonsan yahay.

(3) WAAXDA SOO IIBINTA IYO QANDARAASYADA

Waaxda soo iibinta iyo qandaraasyadu waxay u xilsaaran tahay inay xafiiska qorsheynta agabka ka caawiso sidii agabka la qorsheeyey loo gaadhsiin lahaa meelaha looga baahan yahay sidaa awgeed waaxda soo iibinta iyo qandaraasyada waxa looga baahan yahay in lagu shaqaaleeyo hawlwadeeno, masuuliyiinta iyo khabiiro qaabilsan dhinaca talo bixinta waajiibaadka hawlaha soo iibinta soo bixinta iyo qandaraasyada waxa looga baahan in lagaga dhaqmo nidaamada kala khuseeya soo iibinta iyo bixinta qandaraasyada ee Caalamka laga aqoonsan yahay isla markaana uu Golaha wasiiradu uu ansixiyay

(4) WAAXDA MAAMULAHA IYO SHAQAALAHA

Waaxda maamulka iyo shaqaalaha waxay Wasaarada caafimaadka u qaabilsan tahay hawlaha kala ah

Hawsha 1aad: go’aaminta noocyada iyotirada shaqaalaha madaniga ah shaqaalaha dhinaca caafimaadka sida dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo farsamo yaqaanada iyo shaqaalaha la tashiga ee wax ka tari kara baahida xirrfdeed ee waaxaha Wasaaradda caafimaadka cusbitaalada xarumaha caafimaadka iyo meelaha kale ee laga wado adeegyada caafimaadka

Hawsha2aad: shaqaalaha iyo tababarida shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka

Hawsha 3aad: Maamulida faylasha kaadhadhka aqoonsiga ee shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka;

Hawsha 4aad:Daba-gelida iyo toosinta nidaamyada Maamulida ee lagaga shaqeeyo waaxaha Wasaarada Caafimaadka, Cusbitaalka iyo meelaha kale ee ay ka socdaan adeegyada Caafimaadku;

Hawsha 5aad: Maamulidda arrimaha la xidhiidha mushaharka iyo gunooyinka shaqaalaha Wasaarada caafimaadka, Cusbitaalka iyo xarumaha adeegyada caafimaadka.

Hase yeeshee, waaxda maamulka iyo shaqaalaha waxa looga baahan yahay in lagu shaqaaleeyo hawl-wadeeno iyo shaqaale ku takhasusay farsamada afka qalaad lagu yidhaa systems. Dhinaca kale, waaxda Maamulka iyo shaqaalaha waxa waxa lagaga shaqaynayaa nidaamo waafaqsan heerka Caalamka (International Standards) laga aqoonsan oo isla markaana uu Golaha Wasiiradu ansixiyay.

5. WAAXDA ADEEGYADA GUUD

waaxda adeegyada guud ee Wasaarada Caafimaadku, waxay u xilsaaran tahay in ay ka dalbato xafiiska qorsheynta agabyada aan ku jirin qorshaha iyo kuwa ay baahidooda sababtay xaaladda markaa jirta. Dhinaca kale, Waaxda Adeegyada Guud, waxay qaabilsan tahy adeegyo dhinaca Caafimaadka la xidhiidha, sidii loo qorshayn lahaa, loona hirgelin laha. Hase yeeshee, adeeg waliba wuxuu ka kooban yahay unug maamul (Administrative unit) oo leh xafiisyo, goobo shaqo, gaadiid, qalab, iyo shaqaale u gaar ah, waxayna kala yihiin;

1.       Unugga – Maamul ee adeegga bukaan-jiifka

2.       Unugga – Maamul ee adeegga bukaan-socodka

3.       Unugga – Maamul ee adeegga gargaarka degdegga ah

4.       Unugga – Maamul ee adeegga Shaybaadhka

5.       Unugga – Maamul ee adeegga Qalliinka

6.       Unugga – Maamul ee adeegga X-rayga

7.       Unugga – Maamul ee adeegga Baanka Dhiigga

8.       Unugga – Maamul ee adeegga Istoodhada kaydka

9.       Unugga – Maamul ee adeegga cunto qaybinta iyo nadaafadda.

Sidaa awgeed, adeegyada kala duwan ee waaxda adeegyada guud ay ka masuulka tahay, waxay u baahan yihiin in loo diyaariyo mashaariic horumarineed oo hay’adaha qaramada midoobay iyo kuwa Caalamiga ihi ay maalgeliyaan. Hase yeeshee, mashaariicdu waxay u baahan yihiin qoraalo farsamo (Project Proposals) oo si fiican loo habeeyay.

Xoojinta Nidaamka Maamulidda ee adeegga Caafimaadka, waxa qayb weyn ka ha abaabulidda xafiiska qorsheynta agabka iyo waaxaha Wasaaradda, laakiin intaa kuma koobna.

C/raxmaan Siciid Maxamed

Hargeysa 5-2 ku caraabiysay Awdal

Hargeysa (Haatuf): Waxa maalintii shalay garoonka Hargeysa Staduim ka bilaabay wareegii labaad ee ciyaaraha gobolada Somaliland ka dib markii la soo gabgabeeyay wareegii hore ee ciyaaraha oo ay isku arkeen dhammaan gobolada dalku,.

Waxana simifinalka u soo gudbay afarta gobol ee kala ah Awdal Hargeysa, Togdheer, iyo Saaxil, waxana ciyaartii koowaad ay shalaydhex martay, gobolada Hargeysa iyo Awdal. Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayna ka soo qayb galeen kumanaan kun oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa iyo taageerayaal ka socday gobolka Awdal, markii ay ciyaartu maraysay daqiiqadii shanaad ayay goolkii ugu horeeyay dhashadeen ciyaartoyga ku ciyaarayay magaca gobolka Hargeysa, kaasoo uu shabaga Kooxda Awdal ku hubsaday, ciyaaryahanka farxaan Cabdi Muuse oo NO: 9 uga ciyaara gobolka Hargeysa. Isla qaybtii hore ee ciyaarta markii ay ciyaartu maraysay 25aad ayay ciyaartoyga Hargeysa u suurtagashay inay dhashadaan gookii labaad oo uu u saxeexay ciyaaryahanka no: 16 Iid Jibril.

Markii ay ciyaartu socotay daqiiqadii 28aad ayay ciyaatoyga gobolka Awdal dhashadeen goolkoodii ugu horeeyay, kaasoo uu gool/hayaha xulka Hargeysa uu daba mariyay ciyaaryahanka Ducaale Saleebaan oo No: 10aad u sita gobolka Awdal.

Qaybtii hore ee ciyaartuna waxay ku dhammaatay 2-1 oo ay Hargeysi ku hogaaminaysay ciyaarta,.

Markii laysugu soo noqday qaybtii dambe ee ciyaarta ayna marayso daqiiqadii 53aad ayay ciyaartoyga Awdal dhashadeen goolkoodii labaad kaasoo uu u saxeexay Ducaale Saleebaan (No: 10) oo ku labeeya goolkiisii hore markii ay ciyaartu halkaa marayso ayay labada dhinacba dardar galiyeen ciyaartoodii iyadoo la isweydaarsaday weerar iyo weerar celis taasoo sare u qaaday xamaasada iyo sawaxanka taageerayaasha labada kooxood, balse gari laba nin kama wada qoslisee markii ay ciyaartu maraysay daqiiqadii 55aad ayay xulka Hargeysa u suurta gashay inay dhashadaan goolkii 3aad, kaasoo uu shabaga Awdal ku dhirbaaxay Khadar Muuse Maxamed (15), isla inyar ka dib markii ay ciyaarta qaybteedii labaad maraysay daqiiadii 65aad ayay xulka Hargeysa dhashadeen goolkii afraad kaasoo uu u dhaliyay Aden Maxamed Aden No: 8. Waxay ciyaartu socotaba markii ay maraysay daqiiqadii 83aad gebagebadii ciyaartana ay ka hadhsantahay waxyari ayay xulka Hargeysa ku darsadeen goolashii hore mid kale oo shanaad kaasoo uu shabaga Awdal dhex-dhigay ciyaaryahanka Jaamac Siciid Cabdi No: 2 u sita xulka Hargeysa, ciyaartiina waxay ku dhammaatay 5-2 ay guushu ku raacday xulka gobolka Hargeysa oo sidaa ugu gudbay finalka kama dambaysta ah oo ay ku kulmi doonaan Saaxil ama Togdheer kolba kii ku soo baxa ciyaarta ay maanta ku kulmayaan oo ka dhacaysa Hargeysa Staduim.

Intii aanay ciyaartu bilaabmin ayay weriyayaasha Haatuf goob jooga uga ahaa ciyaartaas ay u suurta gashay inay waraystaan labada tababare ee labada kooxood oo kala ah C//casiis Xueen Maxamuud (Xamari) oo tababare u ah Kooxda Awdal iyo Faysal Muuse Il-Dab (faysal Dheere) oo tababare u ah Kooxda Hargeysa,.

Ugu horeyn tababaraha Awdal aanu waydiinay rajada ay kooxdiisu ka qabto inay guul ka gaadhaan ciyaarahan waxa uu yidhi “Haddii Illaahay ka dhigo dedaal ayaanu galaynaa guusha iyo guul daradana mid uun baanu filaynaa waxase aanu marwalba ku rajo weynahay guusha ninkastaana guusha ayuu jecel yahay” mar la weydiiyay tababaraha haddii laga guulaysto inay ku hambalyaynayaan Kooxda kale waxa uu ku jawaabay “Haa waanu u hambalyaynaynaa”. Tababaraha oo ka hadlayay warar hore oo sheegayay inay kooxdiisu ka cadhoodeen ciyaaraha gobolada oo ay cabasho ka muujiyeen, waxa uu yidhi “anagu Kooxda iyo dadweynaha midna wax ka sheegan mayno maadaama ay meesha aqoon la’aan dhinaca garsoorayaasha ahi ka jirto waxaanu ka dacwoonaynay dhinaca garsoorayaasha oo aanu doonaynay in la keeno garsoorayaal aqoon u leh sharciga ciyaaraha”

Waxa kale oo aanu wax ka weydiinay ciyaaraha tababaraha xulka Hargeysa Faysal dheere.

Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd rajada uu ka qabo ciyaaraha ayaa waxa uu yidhi “walaahi kubbaddu waa cadaan iyo madaw waxaase aanu ku rajo waynahay inaanu badino” isaga oo ka jawaabayay sababta uu rajadaa u qabo waxa uu yidhi “waxa rajada I galiyay qaabka ay kooxdaydu u ciyaarayso, waana koox orod badan runtiina waa Kooxda ugu fiican kooxaha isugu yimid ciyaaraha gobolada Somaliland”

IFTIINKA ISLAAMKA

Xuska Mecraajikii Nebiga (CSW)

 

Waxa sanadkasta marka ay bisha Rajab tahay 27 caalamka Islaamka oo dhan laga xusaa mecraajka nebiga (csw) oo ah habeenkii nabi Maxamed samada loo dheelmiyay ee uu ilaahay samawaadka dushooda kula kulmay.

Waxay ahayd waqti adag oo ay cidhiidhi ku jireen Nebiga iyo Asxaabtiisa, oo ku hoos noolaa cadaadiskii iyo cabudhintii ay ku hayeen gaaladii qureesheed oo ka xoog waynaa kana tiro badnaa.

Rasuulku maalmahaa waxa uu dareemayay dhibaato weyn oo kaga timid tolkii oo diidanaa diinta uu ku baaqayay ee Ilaahay u soo dhiibay, iyo culays kaga yimid iyadoo ay soo banaanatay labo jiho oo intii hore ka gufaynaa kuwaas oo ah geeridii ku timid nebiga adeerkii Abuu Daalib, oo ahaa tiirka ugu weyn ee kaga gudbanaa gaaladii waawenaa ee qureesheed, kuwaasoo kaga baqan jiray, Abu Daalib inay nebiga waxyeeleeyaan, iyo marwadiisii Khadiija oo kaga aadanayd dhinaca guriga wixii darxumo oo uu nabigu la kulmo

Geerida Abu Daalib iyo Khadiija, waxay gaaladii siisay fursad ay nebiga ku soo weerari karaan inay Rasuulka iyo Asxaabtiisa, kaga takhalusaan balse tii Ilaahay ayaa meel taalee Rasuulku waxa mar walba u cadayd inay guushu raacayso dhinaca xaqa ah ee Ilaahay la jiro gaaladuna sida ay moodayaan ayna noqonayn.

Sidaa darteed habeenkan mecraajku waxa uu ku soo beegmay xiligaa adag ee ay cidhiidhiga ku jireen nebiga iyo asxaabtiisii, ka dibna Ilaahay Rasuulka si uu uga khafiifiyo culayska haystay qalbigisana u galiyo rajo iyo naruuro ayuu carshigiisa sare ku casuumay halkaasoo uu kula kulmay mucjisooyin cajiib leh.

Malaku Jibrill ayaa habeenka Rasuulka u Yimid isagoo wada Bureeqa oo ahayd Daabad la fuulo markii uu Rasuulku raacayna waxay ku horeeyeen Masaajidka Baraykaysan ee Al-Aqsaa halkaasoo uu Rasuulku ku tukuyay dhammaan anbiyadii oo diyaar u ahaa soo dhaweyntiisa.

Ka dib Rasuulka iyo Malaku Jibril waxay u kaceen xagga samawaadka sare oo markay mid dhaafaanba u gudbayeen ta kale ee ku xigta, midkastana waxay kula kulmayeen mid ama laba ka mid ah Rasuuladii hore.

Ugu dambayntina waxay u gudbeen carshiga sare oo uu Rasuulku Ilaahay kula kulmay. Iyadoo uu Ilaahay ummaddiis ugu soo dhiibay hayadii ugu qaalisanayd oo ah shanta salaadood ee waajibka inagu ah.

Markii uu Rasuulka u soo dhammaaday socdaalkan qiimaha ayuu dhulka kusoo noqday isagoo helay qadarintii ugu weyneyd ee Iiaahay qof ku manaysto. Waxaanu halkii ka waday halgankii ilaa uu Islaamku gaadhay dhulka oo dhan oo maanta shantii salaadood laga wada oogayo.

Xuska Saxaabadda “Abu Hurayra Al Doos”

Q: 2aad

Wuxuu Ku Tilmaanaa Tilmaamo Suubban

Illaah ha ka raalli noqdee wuxuu Abuu Hureyra kulansaday cilmi xeel dheer, cafis iyo saamixitaan badan, Alle ka cabsi iyo xalaal-miiradnimo. Wuxuu ahaa kii sooma maalintii, halka habeenkii qayb uu ka tukan jiray salaatul-leylka. Wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa habeenka saqda dhexe, habeenka intiisa danbena wuxuu salaadda u toosin jiray gabadhiisa. Guriga Abuu Hureyra wuxuu ahaa kii aan laga-kala-goyn cibaadada habeenkii oo dhan. Abuu Hureyra waxaa u shaqeyn jirtay gabar madoow ah, gabadhii ayaa waxay u gaftay maalin Abuu Hureyra, dabadeedna wuu istaagay, wuxuuna soo qaatay jeedal si uu markaa ugu garaaco gabadha. Haddana wuu is qabtay isagoo gabadhii ku leh:  “haddii aynan jirin qisaas maalinta qiyaame waan ku xanuujin lahaa sida aad noo dhaawacdayba, hase ahaatee waxaan kaa iibinayaa qof i siiya qiimahaaga, waqtigaasna aan aad ugu baahanahay … Iska tag, Alle dartii ayaan kuu xoreeyee.. Abuu Hureyra cabsidiisa Alle ayaa waxaa wehelisay adduunyo naceyb, wuxuu sida badan ku dadaali jiray u-camal -falka maalinta aakhiro, sidaa darteed wuxuu markasta ka wel-weli jiray cadaabta iyo xanuunka ay wadato naartu. Maalin ayaa gabadhiisii waxay ku tidhi, aabe gabdhaha saaxiibadayda ah way i caayaan, waxayna igu yidhaahdaan: muxuu aabahaa kuugu iibin waayey dahab?!. Wuxuu ku yidhi, gabadhaydiiyey, waxaad ku tiraahdaa: aabahay wuxuu iiga cabsanayaa kulaylka naarta Jahannamo. Diidmada uu Abuu Hureyra gabadhiisa dahabka ugu diidayay kama ahayn bakheylnimo awgeed, maxaa yeelay wuxuu Abuu hureyra ku tilmaanaa deeqsinimo iyo gacmo furnaan, gaar ahaan xilliga jidka Alle loo duulayo. Marwaan Binu Al-Xakam ayaa wuxuu Abuu Hureyra u soo diray boqol diinaar oo dahab ah, maalintii kale markii la gaadhay ayaa wuxuu u qoray warqad uu ku leeyahay sidatan: khaadimkaygii wuu qaldamay oo wuxuu ku siiyay lacago diinaar ah, annigana kulama aanan doonin, ee waxaan u doonayay qof aanan adiga ahayn. Abuu Hureyra arrintii wuu ka qoomameeyay, wuxuuna yidhi: waxaan lacagta u bixiyay si jidka Alle ah, markuu mushaarkayga yimaado ka qaado lacagta. Hase ahaatee, waxay Marwaan ka ahayd oo keliya inuu imtixaano Abu Hureyra, markii uu arrinkii u fiirsadayna wuxuu oggaaday inuu sax yahay hadalkiisii.

·        Hal Meel Ma Wada Hadhsanayno Anniga Iyo Kan Qaraabadiisa Gooya:

Abuu Hureyra wuxuu weligiis baarri u ahaa hooyadiis, mar alla markuu guriga ka baxayana intuu istaago iridka aqalka ayaa wuxuu odhan jiray: “salaan iyo nabad gelyo korkaada ha ahaato hooyo” Iyaduna waxay ugu jawaabaysay: “adigana sidoo kale dushaada ha ahaato naxariistii iyo barakaatkii Alle”. Wuxuu haddana ku yidhi: “Allaha kuugu naxariisto sidii aad annigoo yar igu soo barbaarisay”. Waxay haddana ku tidhi: “Allaha kuugu naxariisto sidii aad annigoo weyn iigu baarri-fashay”. Markuu guriga ku soo laabtana wuxuu odhan jiray hadalladaas oo kale.

Wuxuu Abuu Hureyra ku dadaali jiray inuu dadka ugu yeero sidii ay ugu baari-fali lahaayeen waalidiintooda, iyo xiriirinta qaraabadooda. Waxaa hadalladiisa ka mid ahaa hadalkan: "hal meel ma wada harsanayno anniga iyo kan qaraabadiisa gooya". Wuxuu maalin maalmaha ka mid ah arkay laba nin oo wada socda, oo kala da’ weyn. Wuxuu kii yaraa weydiiyay waxa uu kan kale u yahay, wuxuuna ku yidhi: “waa aabahay”. Haddaba wuxuu Abu Hureyra ninkii ku yidhi: “magaciisa ha ugu yeedhin, hortiisana ha socon, hana fadhiisan hortiisa.

·         Safar dheer iyo sahay yar

Markii uu Abuu Hureyra xanuunsaday bukaankii dhimashadiisa ayaa uu ooyay, waxaana lagu yidhi maxaad la ooyaysaa?. Wuxuu yidhi, lama ooyayo cabsida aan ka qabo dunidan tan ah, hase ahaatee waxaan la ooyay safarka dheer ee i sugayo, iyo saadka iyo sahayda yari ee aan wato. Waxaan istaagay dhammeystirka waddo, taasoo ii sii kaxeynaysa Janno ama Naar, mana ogi labadaas meelood meesha aan ku danbeyn doono. Waxaa Abuu Hureyra soo booqday Marwaan Binu Al-Xakam, isagoo ku leh: Abuu Hureyrow Allaha ku shaafiyo. Wuxuu Abuu Hureyra ku Alla baryay ducadan, wuxuuna yidhi: “Illaahayow waxaan jeclahay la-kulankaaga ee waxaad adigu jeclaataa la kulankayga, iina soo deddeji inaan kula kulmo". Maba uu ka bixin Marwan gurigii jeer uu ka geeriyoodo Abuu Hureyra. Illaah ha u naxariisto Abu Hureyra raxmad waasic ah, wuxuu ummadda muslimiinta u xafiday wax ka badan Kun iyo lix boqol iyo sagaal xaddiis kana mid ah axaadiista Rasuulka (scw), Ilaahay Islaamka iyo Muslimiinta ha uga jazeeyo kheyr, aamiin

Rabashka Telephoonada Iyo Xasilooni Darada Nolosha Qoysaska

Xadiis Maxamed Xadiis

 

Sideedaba masayrku waa cudur ama xanuun nafsaaniya oo isbedel ama saamayn ku yeesha dareenka aadamaha, isla markaana ay saamaybtiisa dadka dunidu dhammaantood ka siman yihiin, laakiin masayrku waa noocyo dhawr ah, wuxuuna ku yimaadaa siyaalo ama sababo kala duwan, isla markaana marka laga hadlayno dadku uu ku dhaco qaarba si ayuu u saameeyaa oo dadka qaarkood ayuuba gaadhsiiyaa heer waalli, gaar ahaan dumarka ninkooda ku masayra marka uu la guursado. Hase yeeshee hadii aynu horayn si gaar ah u eegno sida ay dhinaca saamaynta masayrka u kala duwan yihiin dumarkii hore iyo dumarka maanta jooga waxa dhaqan ahaan u dhexeeye faraq weyn, iyadoo uu geedi socodka masayrku la jaanqaado ama ku xidhan yahay had-ba sebenka iyo xiliga lagu jiro nooca uu u egyahay ama sida uu u egyahay dhaqanka bulshada sebenkaa joogtaa, laakiin marka la eego dadka Somalida waxaad moodaa inuu heerka jiritaanka masayrku aad kor ugu kacay marka la isu eego qarnigan iyo waqtiyadii hore, taas oo ay sababtuna tahay waxyaalo badan oo sebebku soo kordhiyey oo jeedalka ku sii dhuftay shaydaanka dumarka kala taliya xaaladda masayrka. Sidaa darteed waxyaalaha waqtigan xaadirka ah waxay u muuqataa inuu xawliga xaaladda masayrka qayb weyn ka qaato telefoonka casriga ahi.

Telefoonada dheereeya ee maanta la isticmaalaa waxay qoysas badan ka dhex-abuureen tuhun iyo kala shaki, iyadoo ay mushkiladda ay ka dhalata buuqa masayrku xaami sii noqotay intii aad loo helay ama loo isticmaalay telefoonada gacanta (Mobile) oo hadda aad loo gacmaha loogu hayo.

Dad badan oo aan xilkas ahayn ama dhaqan xun ama hadii ay doonaan fidmo-walayaal ah ayaa gacanta ku qabtay telefoonka gacanta (Mobile), kuwaas oo, iyaga oo telefoon adeegsanaya fidmo ka dhex-abuura laba qof oo is qaba oo is jecel, labadaa qof  ee is qabaa ha noqdeen laba qof oo guri degan ama isu mehersan ama hadii ay dooonaan isu doonan. 

Dadkaa sidaa u dhaqmaa waxay iska diraan telefoon aanay garanayn cidda leh, ma guri baa, ma xafiis baa, ma meherad baa IWM., laakiin waxa mararka qaarkood dhici karta inuu telefoonka noocaas ahi soo dhaco, iyadoo ay wada fadhiyaan ninka iyo ooridiisii, ka dibna ay halkaa si hawl yar uga abuuraan shaki iyo isku dir si weyn waxyeelo ugu geysta xasiloonida iyo is aaminka qoyskaa, iyadoo la aaminsan yahay inay inta badan sheekooyinka noocaas ah sameeyaan ama ku dhaqmaan dad dumar u badani. Tusaale ahaan waxa laga yaabaa inay inta badan telefoonka qabato qofka dumar ahi, ka dibna gabadha telefoonka soo dirtay waxay isticmaalaysaa weedho ama hal ku dhegyo ay ka mid yihiin : “Helow, walaal waa anigaa Hebel ma joogaa”, markaas ayey gabadhiina u celinaysaa “Naa haaye waa tuma”, dabadeedna “Naa waa xaaskiisiiye ii dhiib”, halkaa marka ay marayso ayey gabadhii gurigu inta ay cadho cirka marto odhanaysaa “Naa wasakhad baad tahaye telefoonka dhig, mar dambena ha soo garaacin”, dabadeed gabadhii waxay telefoonkii ka soo jeesanaysaa, iyadoo ay shucuurteedii is bedeshay oo cadho jiq ah, xaaladaasna waxa suurta gal ah inat cirka u sii tuurto ama naaxiso shaki ama tuhun laga yaabo inuu awel-ba qabtay, dabadeedna waxay goobtii uu odaygeedu fadhiyey ku soo noqonaysaa, iyadoo bedellan, taasna odaygeedu wuu dareemaa, wuxuuna ku yidhaahdaa weedho ay ka mid yihiin “Naa wa’ayo qofka aad la hadashay iyo maxaa ku helay”, ka dibna, iyadoo aan cadho hadli karin ayey ugu jawaabtaa “Waar hayla hadlin baan ku idhi waxay ahaayeen qudhunkaagii iyo wixii aad awelba qarsanaysaye, mar dambena juuq ha ii odhan”ayey hadalka ku soo xidhaa, wayna is dhufataa, sidaa darteedna reerkii nabadda ku soo hoyday waxay galayaan xasiloono daro iyo jawi gebogebo ah, waxaana halkaa ka bilaabmay shaki iyo kalsooni daro ka dhex-abuurantay ninkii iyo ooridiisii is jeclaa.

Waxyaalaha kale ee dhaca waxa ka mid ah, masalan, iyadoo ay ninka iyo ooridiisu guriga iska dhex fadhiyaan oo aanay belaayo iyo baas-toona dhex-oolin, hadii ay doonaan ay weedho fiic-fiican oo sheeko is dhaafsanayaan ayuu telefoon soo dhacayaa, telefoonkaana waxa laga yaabaa inuu qabto ninku, markaa uu gacanta la helo ee uu dhegta saaro waxa laga yaabaa inay gabadhii telefoonka soo dirtay hadal qabow oo ay u xulatay weedhiba weedha ay ka macaantahay ku gadh-qabato, taasina waxay keentaa inuu hadalkii sii macaansado oo xataa uu fursad u waayo inuu juuq yidhaahdo. Laakiin ooridiisiina il-qoodha ayey kala socotaa waxa dhacaya, dabadeedna waxa suurta gal inay u adkaysan kari waydo, ka dibna ay, iyada oo aan is ogayn haw soo tidhaahdo oo ay telefoonkaba ku qabsato, “Waar dhig telefoonka wixii la qarsanayeyba maanta ayey soo baxeene”ayey ku odhanaysaa, ka dibna waxa laga yaabaa inay madaxii dhulka ku dhufato oo ay shalay mooyee doraad ka dhaqaaqdo. Sidoo kale wuxuu isna ku biimayaa “Naa bal shaydaanka iska naar oo fadhiiso aynu wada hadal-nee, na ma waxaad moodey inaan cid kale la hadlayey waxaan la hadlayey gabadhii walaashay dhashay  ee shalay soo degtay ee debedda ka timi”. Hase yeeshee xataa hadii la soo yara dabaalo arintu sidaa kuma dhamaanayso ee waxa halkaa ka bilaabmaya khilaafaad iyo shaki hor leh oo saamayn ku yeelanaya xasiloonidii qoyska.

Waxa kale oo iyana dhacdo inay ragguna qaadaan shaki noocaas oo kale ah, ka dib marka ay ogaadaan ama maqlaan telefoono ay niman soo direen oo xaasaskooda doonaya, taasina waxay keentaa inuu ninkii dareen feejigo leh ku ilaaliyo dhaqdhaqaaqa gabadhiisa, isla markaana cadaadis joogta ah saaro, waxaana suurta gal ah inay dhibaatadaasi galaafato jiritaanka qoysas badan ama ay ugu yaraan abuuraan kalsooni daro soo noqnota oo had iyo goor gebogebo joogta ah ku haysa xasiloonida nolosha qoyska, iyadoo uu shakiga noocaas ahi daarran yahay masayr tuhun ka dhashay.

Dhibaatooyinka ka dhasha isticmaalka xun ee adeegsiga telefoonadu intaas oo qudha kuma koobna ee xataa waxa had iyo goor ka cabanaya goobaha shaqada iyo dadweynaha caadiga ah, taas oo ay khaati ka joogaan telefoono inta la iska soo diro lagu arbushayo hawlahooda ama xasiloonidooda dhaqan, iyadoo aad arkayso telefoon la soo garaacayo xili aan haboonayn, marka aad qabatana hadii la doono waa lagugu dhigayaa ama waa lagu caayayaa ama sheeko aaddan u jeedin oo meeshaba oollin ayuu qofka telefoonka soo diray kugu bilaabayaa adiga oo aan garanayn-ba rag iyo dumar waxa uu doono ha noqdee.

Masalan hadii uu qofka telefoonka soo diray nin yahay oo marka uu soo dhaco uu nin ka qabto ninka soo diray marka uu dareemo inuu codka telefoonka ka qabtay yahay nin ayuu degdeg u dhigayaa, sidoo kale waxa jira qaar hawo kugu afuufaya marka aad telefoonka ka qabato qodka aanay taas oo kale hore ugu dhicina wuu yaabayaa oo waxa ku dhacaya yaab iyo amakaag, waxaana laga yaabaa inuu telefoonkii ku mashquulo oo moodo inuu xun yahay. Waxa kale oo, iyana intaa dheer dad cay iyo aflagaado kugu bilaabaya marka aad telefoonka ka qabato, waxayna dhaqamada noocaas ahi aad u sii dhibaan dadka waayeelka ah. “Adeerayaalow hadii aad Illaahay garanaysaan kaalaya saaka telefoonkiina iga goosta habeen walba dagaal uun ku jiri maayee”sidaa waxa ku tiraabay oday waayeel ah oo ka cabanaya dhibaatada isticmaalka xun ee telefoonada., isaga oo marka uu sidaa leeyahay ku sugnaa xarun ka mid ah xarumaha shirkadaha telefoonada ee magaalada Hargeysa. “Adeer habeen walba saqda dhexe ayuun baa telefoon laygu soo garaacayaa, markaasaan moodaa inuu telefoonkan saqda dhexe soo dhacay yahay caruurtaydii debedda jirtey, laakiin marka aan qaado ee aan helow idhaahdo ayaa laygu dhigayaa”ayuu odaygaasi intaa ku daray, isaga oo ka jawaabaya su’aaal ay waydiiyeen shaqaalaha shirkadduoo ay yidhaahdeen “Adeer maxaa kugu dhacay”. Sidaa darteed dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin, kuwa aynu ka soo sheekaynay iyo qaar kale oo la mid ahiba waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka ay telefoonadu ku hayaan dadka, waxaana laga yaabaa inay dadka qaarkood kala kulmaan dhibaato ka badan baahidii ay u qabeen isticmaalka telefoonka, laakiin taasi waa msuhkilad u baahan in wax laga qabto, iyadoo uu arintaa wax ka qabashadeedu ugu horayn saaran yahay shirkadaha isgaadhsiinta telefoonada. Hase yeeshee waxay dadka qaarkood ku cawdaan inaanay shirkaduhu ilaa hadda xilweyn iska saarin wax ka qabashada dhibaatadaa, iyadoo ay dadku ku cawdaan marka aad la hadasho shirkadda waxay ku odhanayaan anaga ayaa wax ka qabanayna, mana arkaysid wax laga qabtay. Laakiin dhinaca kalena waxa loo baahan yahay in wax laga qabto dhaqan xumada caynkaas ah oo ay ugu horayn ka tanaasulaan dadka ku dhaqmaa, mar labaadkana wada jir wax looga qabto, waxaana muhim ah in dhaqanka noocaas ah meesha laga saaro.