Haatuf News

Issue: 174                                    Date: 6 October 2002

 

 

Badheedhaha wargeyska

 

Ma aha qalin iyo waraaq ii dhiib aan joornaalka wax ku soo caayee.

 

 

Ninka suxufiga ah, goobta warbaahinta iyo guud ahaan saxaafadda waxa saaran masuuliyad culus oo ku saabsan waxa uu ummadiisa u gud-binayo, iyadoo uu waajibka suxufiga iyo saxaafaddu yahay inuu dadkiisa sida ugu sugan ama ugu mudan ugu gud-biyo amaanada saxaafadeed ee uu u hayo. Sidoo kalena qofkasta oo wax qoraya wargeys, kutub (buug), kartoon IWM meesha uu doono haka qorayeee waxa isna saaran masuuliyad, waxayna masuuliyadaasi ak saaran tahay mujtamaca uu wax u gud-binayo.

Guud ahaan marka laga hadlayo mihnadda saxaafadda waxay leedahay xeerar iyo anshaxa qoraal oo ay tahay in waxa la gud-binayo ama la daabacayo lagu saleeyo, taasna meelmarinteedu waxay u baahan tahay aqoon, xilkasnimo iyo garasho bisil.

 

Dhacdooyinka wareed iyo guud ahaan-ba macluumaadka lagu baahinayo hayad warbaahineed (Institutions of Jouurnalism) waxay ugu yaraan u baahan yihiin inay ku salaysanyihiin xaqiiq iyo inay xambaarsan yihiin anshax ku fillan. Laakiin marka laga yimaado suxufiga sida tooska ah ugu shaqeeya ama uga tirsan wargeyska ama idaacadda waxa jira dad had iyo goor doona inay wax ku qoraan ama wax ku baahiyaan wargeyska ama idaacadda, dadkaas oo loo yaqaan akhristayaal (Jariiradda) ama dhegaystayaal iyo daawadayaal (Idaacad (radio & TV)), balse waxay iswaydiintu tahay qoraalka ama hadalka uu qofka akhrista ah ama dhegaysta ahi ku baahinayo jariiradda ama idaacadda masuuliyad ahaan iyo anshax ahaan-ba miyuu ka duwan yahay  qoraalada ama wararka uu ninka suxufiga ahi ku baahinayo jariiradda ama idaacadda uu ka tirsan yahay ?.

 

Jawaabta su’aashani waa maya, waayo macluumaadka wargeyska ama idaacadda lagu baahinayaa kama koobna qaybo qaarba ay meel ama qolo gaar ah fasax ka haystaan ama inay jiraan qaar aan cidna xil ka saarayn.

 

 Marka la eego dunida ay dadkeedu hore uga mareen wax akhriska iyo wax qorista dadka aan suxufiyiinta ahayn ee wax ku qora wargeysyada waxa lagu majeertaa inay yihiin dad yaqaan wax qorista, una bisil anshaxa wax qorista, sidaa darteed qoraalka qoraalka ay doonayaan inay wargeys iyo ama idaacad ku faafiyaan inta badan xilqaada tifaftirka iyo masuuliyadda qoraal ee uu u baahan yahay maqaalkoodu. Laakiin marka la eego Somaliland arintu sidaa way ka duwan tahay.

Guud ahaan saxaafadda Somaliland waxa la odhan karo waa saxaafad da’ yar oo socod barad ah, hadii ay tahay dhinaca bisaylka aqooneed iyo hadii ay tahay dhinaca waaya-aragnimada masuuliyadda, weliba taa waxa u sii dheer duruufo badan oo ku gedfan, taas oo aanay suxufiga iyo goobta wax soo saarka midna haysan qalab ku fillan adeegga uu qabanayo, taasina waxa weeye duruuf had iyo goor canaan badan u keenta wax soo saarka saxaafadda, sidaa awgeed jiritaanka arimahaa iyo kuwa kale oo la mid ah dartood waxa laga yaabaa inuu ninka suxufiga ahi marar badan canaan muto. Hase yeeshee arinta ugu darran ee ay joornaalada Somaliland dhibaatada ugu badan qoraal ahaan kala kulmaan ama canaanta ugu badani uga timaadaa waxa weeye qoraalada ay akhristayaashoodu u soo gud-biyaan.

 

Marka laga reebo xaddi aan badnayn dadka reer Somaliland waxay u badan yihiin dad aan waxna qorin waxna akhriyin. Laakiin waxa taa ka sii darran inta wax qorta ama akhrida oo marka laga yimaado tiro aad u yar uu, iyagana habaar kaga dhacay habka qoraalada loo agaasimo, waxaana laga yaabaa inaad 100 qofba ka hesho laba qof ama ugu badnaan saddex qof oo aad qoraalkoodu dhowdhow yahay.

Way badan yihiin dhibaatooyinka ay wargeysyadu kala kulmaan akhristayaasha qoraalada u soo gud-biya si wargeyska loogu faafiyo. Laakiin ilaa saddex arimood baa la odhan karaa way ugu darran yihiin. Ta koowaad waxay noqonaysaa xilkasnimo daro uu qofku u hayo waxa uu qorayo, waayo waxa uu ku soo qorayaa warqadda waraaqihiisa ugu foosha xun oo hadii uu doono ah mid uu faraha iska mariyey, isla markaana waxa uu ku soo qorayaa farta ugu xun ee aan la fahmi karin (Worest hand Writing), taasina waxay keentaa in dhibaato badan lagala kulmo qorista maqaalka uu soo gud-biyey ama lagaba quusto fahamkiisa.

Ta labaad waxa laga yaabaa inuu qofku soo qoro maqaal ilaa toban bog ka kooban, iyadoo waxa uu ka hadlayo ay ku fillan tahay hal bog ama bog badhkii, taasina waxay u baahataa tifaftir ka badan inta uu wargeysku ku kacaya hal cadad, isla markaana waxa dhici karta inuu hadhow yidhaahdo yaa ku yidhi maqaalkaygii googo, waad iga kharibtay IWM., sidoo kale waxa dhici karta in maqaalkaa tifaftirkiisaba laga baqo, iyadoo maskaxda lagu hayo buuqa hadhow ka imanaya, taasina waxay keentaa inuu qofku ku cawdo waxaygiibaa la qori waayey,wax baa layga jeedaa  oo uu ashkato wadnaha kugu cadeeyo.

 

Ta saddexaad waxa weeye maqaalada ay akhristayaashu soo gud-biyaan oo ka arradan masuuliyaddii iyo asluubkii uu qoraalka saxaafadda gelayaa u baahnaa, taas oo macneheedu yahay inuu maqaalku daba iyo dacal noqdo shakhsi weerar aflagaado xambaarsan, isla markaana waxa uu maqaalkiisa ku xardhayaa eedo aanu u hayn wax cadaymo ah ee keliya uu ka soo dheegtay surimada sheeko-barraleyda. “Xisbiga KULMIYE oo ay xubnihiisu hanti aan la qiyaasi karin ka lunsadeen Somaliland, una isticmaalayaan sidii ay cod u heli lahaayeen” weedhahani waxay ka mid ahaayeen maqaal Oktoobar 2, 2002, ku soo baxay bogga akhristaha ee wargeyska Haatuf, laakiin waxay iswaydiintu tahay Xubnaha ururka KULMIYE oo ay ku jiri karaan sheekh iyo shariif-ba ku jiri karaan akhristuhu miyuu hayaa cadayn ka marag kacaysa eedayntiisa. Runtii jawaabtu waxay noqonaysaa maya, taasina kama badna arin laga soo xigtay surimada sheeko barraleyda, laakiin inkasta oo aanay taasi ahayn aragti wargeysku qabo ee ay tahay  wax akhristaha ku gaar ah, hadana waanu ka raali gelinaynaa wixii gef ah ee laga tirsaday, iyadoo ay xubnaha ururo dhawr ah oo maqaaladaa lagu xusay na soo gaadhsiiyeen cabasho la xidhiidha sida wax looga sheegay. Laakiin taasi waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ay wargeysyada ama hawlwadeenada saxaafaddu kala kulmaan maqaalada ay u soo gud-biyaan akhristayaashadoodu.

 

Hadaba, iyadoo aanu soo dhowaynayno akhristayaashayada, isla markaana diyaar u nahay inaanu u baahino aragtiyahooda iyo macluumaadka ay doonayaan inay faafiyaan, hadana waxaanu si xushmad leh ugula talinaynaa inay masuuliyad ku daraan qoraaladooda, isla markaana ay dhug u yeeshaan masuuliyadda ka saaran waxa ay dadkooda u gud-binayaan si ay taasi uga dhigto dad yaqaan sida wax ku oolka ah ee wax loo naqdiyo ama ra’yi wax tar leh loo gud-biyo, laakiin macnuhu ma aha qalin iyo waraaq ii dhiib aan hebel ama qolo hebla ama urur hebel ama dawladda joornaalka ku soo caayayaaye.

 

 

 

Warbixintii guddiga dhaqaalaha ee baarlamaanka

 

 

Harg (Haatuf):- Fadhigii shalay ee golaha baarlamaanka ee Somaliland (Wakiilada), waxaa warbixintii guddiga dhaqaalaha ee golahaas ka soo jeediyay guddoom iyaha guddigaas Md. Siciid Cilmi Rooble oo soo jeediyay warbixin aad uga hadlaysa musuq-maasuqa hantida ummadda, hay’ado iyo shirkado aan sharciga waafaqsanayn oo uu sheegay in ay hawlgaleen. Md. Siciid, waxaa hadalkii uu shalay ka jeediyay fadhiga golaha wakiilada ka mid ahaa; “Warbixintaydani waxay ka kooban tahay waxyaabihii aanu mudadii kalfadhigii fasaxa la lahaa soo adorosnay, haddii aanu nahay guddigii dhaqaalaha.”

 “Waxaanu la kulanay waxyaabo badan oo runtii dhaliilo badan, waxaana ka mid ah marka hore waxaynu doonaynaa in aynu is xusuusino in aan hantida ummaddu ku lumin khasnadda dawlada, hase yeeshee ay lunto hantidu intaanay qasnadda dawladda ku soo xaroon, waxyaabaha ugu dhibaatada badan ee aan doonayno in golahani wax ka qabto waxaa ka mid ah; hay’ad aan sharci lahayn oo haddana la abuuro oo wareegto wasiir lagu fuliyo, wax allaale wax sharciyadda oo ay haysataana aanu jirin, waxaa ka mid ah shirkado caymis ayaa samaysmay, waxaa jirta markabkii isagoo 300 gaadhi sida, ayaa ummaddii laga qaadayaa lacag, weliba waa ijbaari weeyaan.

 

Hadalka markuu marinayo halkaa Md. Siciid Cilmi Rooble, wuxuu eegay xoghayaha golaha wakiilada (Mu’addinka), oo ka mid ahaa shirguddoonka fadhigii shalay, waxaanu yidhi; “Mu’adinow sharciyadda ayuunbaan ka hadlayaa.”

Isla arrintan, hawlwadeen ka tirsan shirkadda caymiska ee BADBAADO, oo shalay uu wargeyska Haatuf kula kulmay xafiiska shirkaddaas ee Hargeysa, wuxuu u sheegay in ay arrimaha khuseeya sharciga shirkadda ka wareysan karaan ninka la yidhaa Mu’addinka. Ma cadda kaalinta uu xoghayaha golaha wakiiladu kaga jiro shirkadda caymiska ah ee Badbaado.

 

Md. Siciid oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi; “Waxaa la leeyahay madaxweynihii hore ee geeriyooday ayaa qoray amarka lagu hawlgeliyay shirkadahan caymiska, laakiin waxaanu soo ogaanay waxaa u qoray in ay ahayd ha la dhiirigeliyo, ha la dhiirigeliyo ayay wasiiradu ka sameeyeen waxyaabahaa go’aanada ah, qodobka labaad waxa weeyi wershaddii korontada ayaa la bilaabay, shirkaddaasi, way madax-bannaan tahay ayuun baa la yidhi, sharciyad lagu fadhiistay haba yaraatee ma jirto, lacag bilaa tacriiafad ah ayaa la iska gurtay, xataa waxaa dhici gaadhay iska horimaad, shirkadihii muwaadiniinta ahaa ee shaqaynayay, iyo wershaddii korontada, dhibaato ayay abuur gaadhay, lama diidana wershada ee waxaan ka hadlayaa sharciyaddeeda, waxaa laga dhigayaabaa la yidhi shirkad gaara (private), qaabka ay shrikad gaara ku noqonayso, mushkiladda ina haysataa waxa weeyaan xukuumaddu golahan qawaaniintiisa ma hirgeliso.

Mudane Siciid, waxaa kale oo uu ka hadlay eerboodhka Hargeysa (Airport), oo ka hadlay dakhligii dawladda ka soo geli jiray iyo qaabka loogu wareejiyay shirkad gaara oo ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn, waxaanu intaa ku daray in go’aanka lagu sameeyay qaabka cusub ee adeega garoonka diyaaradaha ay go’aamiyeen wasiiro.

 

Guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland Md. Siciid Cilmi Rooble, isaga oo ka hadlaya shirkadda TOTAL, ee shidaalka iyo haamaha Berbera, wuxuu yidhi; “TOTAL deynkeedii waxaa la inoo sheegay saddex milyan oo dollar in lagu hagaajiyay haamaha, haddii aan Berbera tegay, haddii aan xog-raadsaday, waxaan soo ogaaday, muddo laba sano iyo badh ah ayaa hadda laga joogaa lacagta inaga soo gashay waa in ka badan 5 bilyan oo dollar, yaa xisaab-xidhkeedii haya, yaa ka daba-tegaaya, lacagtan kacsan ee ka jirta nolol-maalmeedka 13 dollar ayaa saaran shidaalka, haddii deyntii baxday waxay ahayd in qiimaha hoos loo dhigo, si shilankeenana qiimihiisu uu u wanaagsanaado.”

Mudane Siciid, isaga oo ka hadlaya Dawladaha Hoose ee Somaliland, wuxuu yidhi; “Sharciyadda halkanaa laga gudbiyay (wakiilada), waxaa ku dhex jira sharciga maamulka hantida dawladda, wasaarad baa wax iibsanaysa, wax allaale wax diiwaangelin hantiyeed ah oo ay samaynaysaaa ma jiro, qarankan hantidiisu waxay ku luntay sharcigaas oo aan la tixgelinayn.

 

Kadib, warbixinta guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiilada ee shalay, waxaa hadal ka soo jeediyay fadhigaa guddoomiyaha golaha wakiilada ee Somaliland, Axmed Maxamed (Qaybe), waxaanu yidhi; “Wixii halkan aan ka gudbino hadday distoor tahay iyo sharci inaan lagu dhaqmin waynu ognahay, bal wasiir kasta u tagoo waxaad tidhaa distoorkii ma haysaa, golahana isagu wuu iska gudbiyaa cid dabagashaana ma jirto, dawladda laba meelood ayay ka dhisantaa, hufnaan (transparency) iyo xisaab (accountability). Hufnaan waa in aan waxba qarsoonayn, xisaabna waa in la xisaabtamaa, waxaas oo dhami waa jiraan, waana laga daba tegi karaa, golahan, inagu haddaynu ka daba tagno oo wasiirada ku shaqada leh u yeedhno, inagu amaan ma kala heli karnaa.”

 

Soo jeedintaa guddoomiyaha xubinihii mudanayaasha ee fadhigii shalay ka soo qaybgalay waxay cod dheer ku yidhaahdeen; mudanayaasha kala ah Xuseen X. Cabdi Caamir, Jaamac Axmed Cali, Yuusuf Nuur Axmed, Cali Biixi Sheekhdoon, Maxamed Axmed Cali, ayaa ugu hambalyeeyay guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiilada iyo guddoomiyahooda warbixinta ay soo hordhigeen, waxaa kale oo ay mudanayaashaasi talo ka soo jeediyeen dhinacyada, dhaqaalaha iyo lacagta Somaliland, ciidamada qaar oo ay sheegeen in aanay sharciga ku jirin iyo sida uu golahoodu u fulinayo hawlihiisa.

 

 

Wasiirka tamarta ee kiiniya

 

 

Harg (Haatuf):- Wasiirka tamarta ee dalka Kiiniya Hon. Eng Raila Amolo Odinga ayaa dhowaan ka sheegay magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya inuu isagu si aad ah u rumaysan yahay inay tahay waqti aad ugu habboon in waddamada caalamku siiyaan aqoonsi Somaliland, arrintaas oo ay xaq u leeyihiin in la siiyo.

 

Hadalkaasi wuxuu ka sheegay wasiirka tamarta ee Kiiniya xaflad uu ku marti-qaaday safiirka Somaliland u fadhiya Kiiniya Ambassador Cawil oo laga hadlaya buuga uu qoray Ambassador Cawil ee magaciisu yahay “Search for new Somali Identity”.

Mr. Odinga, oo sannadkii hore yimid Somaliland, isaga oo ku yimid marti-qaad uu u fidiyay madaxweynihii hore ee Somaliland Alle ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu hadalkii uu ka jeediyay xafladdaas ku sheegay inuu aad raali uga noqday markii uu yimid Somaliland, sida ay dumarku lacagta ula fadhiyaan suuqyada si nabadgelyo ah, xataa saacadaha dambe ee habeenkii, waa arrin aanad ku arki Karin ama aan ka dhici Karin Nayroobi ama magaalooyin badan oo ku yaal Afrika, horumarka ay samaysay dawladda Somaliland iyo sida ay go’doonka uga tahay caalamku ma aha laba is leh, waana arrin fajaciso ah.

Mr. Odinga isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi; “waxaan la kulmay dad ka tirsan dhammaan qaybaha bulshada. Waxay si cad iigu sheegeen in aanay jirin wax ay ka qaban karaan arrinta walaalahooda koonfurta, sababtuna ay tahay dhibaatooyinkii hore kaga yimid.

 

“Shirka nabadaynta ee Somalida ee lagu qabanayo Eldoret, IGAD-na ay hawshiisa wado waxaan leeyahay wuxuu ku habboon yahay in lagu koobo sidii looga caawin lahaa in koonfurtu ay samaystaan dawlad ay aqbali karaan dhammaan qabaa’ilka ku nool koonfurta.

 

Sheeko

Q: 9aad

 

 

Luul inkasta oo ay aad u saaxiib  yihiin Amuun, haddana sidii uu u dhacay meherkii ay is mehersadeen Najiib, Luul sheekooyinka iyo kulanada ay la yeelanayso ninkeedu waa kuwa aan ka mid ahayn saaxiibtinimada Luul iyo Amuun, maadaama uu Najiib uu hadda galo guri u gaar ah oo ah hoyga loo qorsheeyay inay ku wada noolaadaan reer Najiib. Luul inta badan kulankooda iyada iyo Najiib wuxuu ka dhacaa gurigaas.

Kulan ka mid ah kulamadii dhexmaray Luul iyo Najiib intii ay sharciyan ahaayeen qoyska ayuu Najiib dhawr su’aalood weydiiyay Luul, iyaga oo markaa wada fadhiya maqsinka fadhiga ee guriga uu hadda deggan yahay Najiib, su’aalahaas oo ahaa; “Wabiyo jacayl waa sidee? Ruux harraadan ma waraabin lahayd? Qalbiyo is-raba sided u mataanayn lahayd?”

 

Luul oo si fiican u dhegaysanaysay sheekada Najiib ayaa yara dhoola-cadaysay oo qadar indhaha ka meer-meerisay inay si toos ah u eegto Najiib oo soo hor-fadhiya. Jawaab deg-deg ah oo aan ka soo bixin Luul awgeed wuxuu Najiib u qaatay in Luul ay ka aamustay, laakiin Luul oo dareenkeeda dejisay ayaa bilowday jawaabtii su’aalaha, iyada oo tidhi; haddii aan isku dayo waxay ila tahay tan hore “waa macaan ama waa qadhaadh kolba waa siduu kuu soo maro”, kadib jawaabtaa hore Luul waxoogaa ayay haddana yara hakisay hadalkii intaanay xigsiin jawaabtii labaad ee ay bixisay oo ahayd; “Ruux harraadan, hoo biyaha iyo wuxuu u hamuun qabo oon hubsado ayaan kaga jawaabi lahaa.”

Luul oo aad moodo in qalbigeedu uu ku maqan yahay eegmo aan u-kas ahayn oo dhinaca Najiib ah, ayaa ku soo gebogebaysay jawaabaheeda qalbiyo is raba mataanayntood taas adigaa iga caawin doona jawaabteeda.

 

Najiib kamuu filayn Luul inay sidaa deg-dega ah u bixin karto jawaabahaas, isaga oo guddoomay inuu isagu yeelo sida ay soo jeedisay Luul dhinaca su’aasha ugu dambaysay.

Luul, la joogisteeda Najiib ma lahayn wax deg-deg ah, maadaama uu Najiib isagu sii qaadi doono oo uu geyn doono gurigooda, sidaas darteed ayay si fiican u kala bogteen Luul iyo Najiib, iyaga oo buuga jacaylka kolba baal-rogay oo dhex-qaaday bustaanada jacaylka.

Najiib oo sii dhadhansaday midhihii jacaylka Luul ee sida sibiqda ah ku galay, waxay naftiisu jeceshahay inaanay Luul kaba tegin markay kulmaan, Luul qudheedu ma aha qofka iyadu dalabta ismacasalaamaynta iyo xilliga uu sii dhoweynayo Najiib.

Luul, waxay gashay heer cusub oo nololeed nafteedu ka raali tahay, waxaanay dareentay inay raagsato waqtiga u dhaxeeya ballanada kulan ee u qorshaysan iyada iyo Najiib, haddana may sharixi karayn waxa ku soo kordhay hoos ahaana waxay isu tidhi Luul; “Wallaahi qudhayda waa laygu weyn yahay, neecoow, nafis, naftu Najiib ayay raali ka tahay,” Luul waxay isku qancisay in jacaylkeedu uu yahay mid sax ah, maadaama ninka uu qalbigeedu rabaa uu yahay Najiib oo ay tahay xaaskiisa.

 

Amuun Cabdalle iyadu beryahan waa mashquul oo umay iman saaxiibadeed, sababtuna waxay ahayd imtixaankii dugsiga dhexe lagaga baxayay ayay u fadhiisatay, imtixaankaas Luul iyadu inta dambe meel buug yaalo may arag, iskuulkiina ma tagto oo waxay isku aragtay hurdo ka badan sideedii hore, caajis, wahsi iyo culays, laakiin intaasiba way ka ba’aan Luul xilliga ay kulanka leeyihiin Najiib oo ay saddex saacadood kahor sii bilowdo diyaar-garowga marka dambana amba-baxda iyada oo u socot sida salamadhlaha, Udug iyo arrimaha kale ee bilicda haweenka bilana ay Luul boqolkiiba boqol ay u dhammaystiran yihiin, nasiib wanaag uma lugayso Luul halka ballanku yahay, haddiise ay lugayn lahayd waxaa hubaal ah inay la kulmi lahayd halabsi iyo haasaawe rag oo aan tiro lahayn oo ku yimaada soo jiidashada muuqeeda sida ubaxa geeduhu uu u soo jiito shinnida aragti, ur iyo dhadhanka miida macaan ee ubaxa qaarkii.

Guri alaabtii iyo dhammaan wixii looga baahnaa Najiib wuu diyaariyay waxayse la noqotay inay guri galaan isaga iyo Luul xilli ay aqoon intan hadda ka badan kala korodhsadeen, dhinaca Luulna kamuu dareemin wax deg-dega.

 

Quman Sugaal oo ah Luul hooyadeed iyo Siraad oo ah habaryarteed, iyagu waxay bilaabheen inay sii diyaar-gareeyaan kaalin ay inta badan qaataan sodduhuhu oo ah samaynta weel si qurux badan loo xardho oo ah fijaano, galbis lagu geyn doono guriga uu ka dhici doono Arooska Luul iyo Najiib. Quman waxay aad u jeceshahay inuu hore u dhaco hoynta inanteeda Luul, sababtuna ay tahay iyada oo Quman Sugaal jecel ilme ay ayay u tahay ayaayo, oo Luul dhasho, kadibna ay gasho kaalintii ayaynimo ee kool-koolinta, haynta, rabaynta ilmahaas oo ah arin ay laabta ka jeceshahay Luul hooyadeed Quman Sugaal.

Najiib saaxiibadiisa ay isugu dhaw yihiin oo kala ah; Jaamac Irbad iyo Cali Suudaani oo ay inta badan is raaci jireen ayay hadda fursaddaasi yaraatay, Cawo Raabi oo Najiib hooyadii ahi may jeclayn inankeeda saaxiibadii, iyada oo inta badan rumaysnayd in muddo dheer ay saaxiib ahaayeen. Hase yeeshee, aanay ku guubaanin jirin inuu guursado oo uu reer noqdo. Waxaa kale oo ay qayb ka siin jirtay inankeeda saaxiibadii Jaamac Irbad iyo Cali Suudaani inay qayb ka ahaayeen waqti lumin, haloosi, haasaawe aan ku fadhiyin arrimo mustaqbal oo intaasiba ay ka soo horjeedeen rabitaanka muddo dheer ay rabtay Cawo Raabi in hamiga Najiib uu maro halkan uu maanta heensaha dhigtay ee guursiga iyo guri dhisashada ah. Cali Madhaafaan qudhiisu fikradahaa qaar ka mid ah wuu la wadaagay xaaskiisa Cawo, laakiin isagu sideeda umuu muujin jirin inuu wax ku diidan yahay la socodka Najiib ee inamada ay muddada dheer jaalka ahaayeen, waxaanu rumaysnaa in waqtigu uu u tabobari doono Najiib sida uu u kala hufayo, danihiisa iyo saaxiibtinimada, si uu waddadaa ugu tabobarana wuxuu xaaji Cali Madhaafaan u leexiyay Najiib inaanu isku halayn hantida aabihii ee uu shaqaysto, taas oo hirgashay oo keentay inuu soo xoogsado Najiib hantida lacageed ee uu hadda haysto.

 

Jaamac Irbad oo doonaya Najiib ayaa garaacay guriga reer Cali Madhaafaan, waxaana ka furtay Cawo Raabi. Jaamac Irbad ayaa weydiiyay in Najiib joogo guriga iyo inkale. Cawo Raabi ayaa ugu jawaabtay, hooyo beryahanba Najiib wuxuu u guuray guri kale, xalliyada qaar ayuunbuu halkan yimaadaa.

Cawo waxay intaa u raacisay Jaamac Irbad oo ay tidhi “oo idinkaaba saaxiib ahaayeen, miyaadaan iska war hayn? Jaamac Irbad oo maadaama u ogaaday inaan Najiib joojin, meel fogna ka soo lugeeyay oo aan sugin hadalka dambe ee Cawo Raabi ayaa isaga oo sii socda yidhi “Beryahan waanu kala raagnay Najiib oo war isuma hayno.”

 

Cawo Raabi oo albaabkeeda sii xidhanayso ayaa hoos u tidhi awalba waqti-lumis iyo ma iska cunaa waxoogaagan ayaad kula socotay.? Kolayba sax iyo khalad, nasteexo iyo nacab sina umay rumaysnayn Najiib hooyadii Cawo Raabi in inankeeda ay faa’iido u soo sido saaxiibtinimada ka dhaxaysa isaga, Jaamac Irbad iyo Cali Suudaani, arrintana waxay sii rumaysatay markii ay garabka Najiib ku arki weyday maalmihii uu Najiib u soc-socday arrin ay hooyadii u arkaysay mid ah tallaabo dantiisa ah oo uu Najiib qaaday ee guurka Luul.

 

Jaamac Irbad, wuxuu goostay in uu caawa helo halka uu degay saaxiibkii Najiib, isaga oo filaya kol haddii guur iyo arrimo la sheegay in kharash iyo jaadba uu aad ugu jiri doono barnaamijyada, isaga oo Jaamac isku wada in arrintaas iyo hawlaha kaleba uu ka noqon doono af-hayeen. Sidaas daraadeed wuxuu goostay inuu ilow-ila uu helo caawa Najiib Cali Madhaafaan.

 

Mawqifka Somaliland waa mid aan gor-gortan lahayn..

 

 

Harg (Haatuf):- Af-hayeen xalay u hadlay wasaaradda war-faafinta iyo wacyigelinta ee Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii shalay ka soo yeedhay kooxda Carta oo ay kaga soo horjeedeen mawqifkii ay dhawaan dalalka Maraykanka iyo Midowga Yurub ku caddeeyeen inaanay somaliland ka qaybgalayn shirka Nairobi, ayna tixgelinayaan rabitaanka shacbiga reer Somaliland.

Hadalka ka soo yeedhay kooxda Carta oo shalay laga sii daayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxa ay ku dhaliileen mawqifka ay qaateen midowga Yurub iyo Maraykankanku iyaga oo ku andacooday inay somaliland ka mid tahay Somaliya, shirkaana ay ka soo qaybgasho.

 

Af-hayeenka warfaafinta oo jawaab ka bixinayay arrintani ayaa ku tilmaamay hadal caal waa ah oo ka fog xaqiiqda. Kooxda Cartana ay naftu baday inay huteelo kaga jiraan Xamar marka horena ay tooda daryeelaan mawqifka somaliland-na uu yahay mid aan gor-gortan lahayn, isla markaana aanu khusayn shirka Nayroobi.

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in mawqifka ay gaadheen Maraykanka iyo Yurub oo ka dhashay dedaalka ay muujiyeen shacbiga iyo xukuumadda somaliland ee ay ku hanteen jiritaankooda, tiisaba daryeelaa tu kale ku dara, nimaan quusanina isagaa quus ah ayuu af-hayeenku hadalkiisa ku soo gebo-gebeeyay.

 

“Anagu waxba hoosta kuma haysano”-Axmed-Siilaanyo

 

 

Hargeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka KULMIYE ayaa soo dhoweeyey mawqifkii ay dhowaan diblomaasiyiinta dalalka reer galbeedka iyo urur-goboleedka IGAD istaageen qadiyadda Somaliland, taas oo ay yidhaahdeen shirka Nayroobi ee dib u heshiisiinta Somaliya kama qayb geli karto cid magaca Somaliland sita iyo weliba mawqifka diidmada ah ee ay dawladda Somaliland iska taagtey, isla markaana waxa Somaliland meteli karta dawladda ka jirta oo keliya, waxayna hogaamiyayaasha ururka KULMIYE ku tilmaameen arintaa horumar u soo kordhay qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, iyadoo ay hogaamiyayaasha ururka KULMIYE sidaa kaga tiraabeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xafiiskooda Hargeysa, waxaana shirkaa jaraa’id qabtay gudoomiyaha ururkaa Axmed Maxamed (Siilaanyo), iyadoo ay weheliyeen gudoomiye-xigeenkiisa koowaad Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo guddigiisa fulinta.

Dhinaca kalena waxay madaxda KULMIYE soo dhoweeyeen mudaharaadkii ay dadweynaha caasimadda Hargeysa ku dhaqani ku taageereen dhawaaqii Somaliland nasteexa u ahaa ee ka soo yeedhay siyaasiyiinta reer galbeedku iyo urur goboleedka IGAD, laakiin madaxda KULMIYE waxay saluug ka muujiyeen dhumucdii iyo sawirkii siyaasadeed ee isu soo baxaa.

 

Gudoomiyaha ururka KULMIYE, Axmed-siilaanyo oo shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa taa ka sokow ka hadlay arimo kale oo siyaasadeed, isaga oo afka ku dhuftay mawqifka ururkiisa ee dhinaca doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan ciyoon, isla markaana waxa uu tafaasiil ka bixiyey inta uu waxtar ahaan mug le’eg yahay go’aankii diblomaasiyiinta reer galbeedku iyo IGAD ee Somaliland ku saabsanaa.

“Hadii aanu ururka KULMIYE nahay waxaanu talaabadaa (Mawqifkii diblomaasiyiinta reer galbeedku) u aragnaa talaabo horumar weyn ah dhinaca qadiyadda reer Somaliland iyo gooni isu taageeda”ayuu Axmed-Siilaanyo ku bilaabay hadalkiisa, laakiin, isaga oo tilmaamaya sababta uu horumar weyn ugu arko wuxuu yidhi “Sababtu waxa weeye waa markii u horaysay ee ay dawlado waaweyn oo miisaan lihi ay ilaa xad qireen arin ay dadka iyo dawladda reer Somaliland muddo dheer ku taamayeen, taas oo ah dadka reer Somaliland sida uu u dhan yahay dawladda reer Somaliland baa u hadasha (Metesha)”.

 

Gudoomiyaha KULMIYE waxa uu diblomaasiyiinta iyo ururka IGAD ku bogaadiyey mawqifka ay iska taageen qadiyadda Somaliland, sidoo kalena waxa uu dawladda Somaliland ku bogaadiyey mawqifkii ay dawladda Somaliland iska taagtay shirka Nayroobi iyo weliba dadweynihii mudaharaadka ku taageeray arintaa. Laakiin, isaga oo tilmaamaya sida uu u suluugsan yahay agaasinka isu soo baxa, wuxuu yidhi “Maalinta ay inala soo gud-boonaato saamaysa qaranka oo dhan waa inaan loo arag in wax la kala xantaysanayo (kala qarsanayo), dawladdu Qaranka oo dhan bay dawlad u tahay , waxaanu jeclayn maalintaas oo kale inay dawladda iyo asxaabta oo dhami isugu wada yimaadaan oo aynu shacbigeena kala wada qayb galno arimaha noocaas oo kale ah, talooyin wada jir ahna ka jeedino, sidaas ayaan u arkayey inay ku qurux badnay, hadda wixii ka dambeeyana arin qaran marka ay meesha timaado inaynaan ku eegin indho maamul iyo indho xisbiyo kala gaar gaar ah, laakiin mawqif qaran la iska wada taagno”.

 

Hase yeeshee Axmed-siilaanyo, isaga oo iftiiminaya inta ay siyaasiyan dhumucdiisu le’eg tahay dhawaaqii ka soo yeedhay diblomaasiyiinta reer galbeedka iyo madaxda urur-goboleedka IGAD wuxuu yidhi “Baaqii maalintii dhowayd ka soo yeedhay diblomaasiyiinta reer galbeedku iyo ururka IGAD yaan qalad laga fahmin waayo ma ahayn ictiraaf buuxa oo la siiyey Somaliland, ta labaad jimciyadda quruumaha ka dhexaysay iyo goleheedii amaanka lama geyn oo kuma ay raacin, sidoo kale duwal badan oo ay ka mid yihiin Carabaha, kuwa islaamka iyo OAU-dii oo isu dhan arintaa may gud-bin, ictiraaf buuxana la inama siin, laakiin sababta aynu u taageeray ee aynu ugu diirsanay waxay tahay waa talaabo horumar ah oo ay dunidu qaaday, waxaase hadhsan oo ay tahay inaynu taa ugu baaqno, kana hawl galno inta hadhay, sida jimciyadda quruumaha ka dhexaysa iyo dunida kale waxaanuna dawladaha reer galbeedka ka dalbanaynaa inay hore ugu sii talaabsadaan arinta Somaliland , sidoo kale jimciyadda qaramada midoobay iyo dawladaha aan arimahaa weli ku soo dhiirran inay arintaa la qaataan qolyaha qaatay oo ay dadka Somaliland u dhashay dawladoodu ka wakiil tahay, waxa kale oo aan leeyahay dadka walaalahayo ee reer Somaliland ee aan arinta (qadiyadda Somaliland) si fiican ugu dhaqmin waanu soo dhowaynaynaa hadii ay madda’ Somaliland nala qaataan”.

Gudoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu bogaadiyey,soona dhoweeyey hawsha ay weftiga gobolka Sool, halkaa ka wadaan. “Walaahayo (reer Sool) waxaanu leenahay soo dhowaada”ayuu yidhi. Laakiin Axmed-Siilaanyo intaa ka dib waxa u leexday dhinaca doorashada iyo arimaha la xidhiidha, wuxuuna ku celiyey mawqika uu ururkiisu waqtigan xaadirka ka taagan yahay doorashada la filayo, isaga oo ugu horayn wax ka xusay olole siyaasadeed oo uu ururkiisu dhowaanahan dambe ku galaabixiyey degaamo dhinaca galbeedka Somaliland ah, taas oo uu mahad naq u jeediyey dadweynihii ay kula kulmeen meelihii ay tageen, balse waxa uu waxoogaa cabasho ah ka muujiyey qaar ka tirsan maamulayaasha dawladda ee goobihii ay tageen, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ku qaabileen dareen didmo iyo carqalad ah. “Waxaanu ku tashanay inaanaan dadkaa dawladda iyo ururada kalena toona ku dirin, laakiin inta badan waxaanu dadka fahamsiinaynay oo aanu culayska saaraynay doorashooyinka iyo asxaabtu waxa ay yihiin, waayo waa wax inagu cusub”ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

 

Gudoomiyaha Kulmiye waxa guud ahaan u mahad naqay saxaafadda, isaga oo warbaahinta dawladda ku tilmaamay in maalmahan waxooga ka soo rayn ahi ka muuqday marka loo eego hadda ka hor, taas oo uu xusay cabashooyinkii soo noqnoqday ee ay ururada mucaaradka ahi ka bixin jireen u sinaanshaha warbaahinta dawladda. Laakiin gudoomiyaha KULMIYE, isaga oo ka hadlaya doorashada iyo arimaha la xidhiidha iyo weliba mawqifka ay ka taagan yihiin waxa uu yidhi “ hadii aan ka hadlo ah su’aasha ah doorasho ma dhacaysaa, mise ma dhacayso, arintaa waynu ognahay inkasta oo go’aan laga gaadhay, hadana hadalo badan baa jira, midna waynu wada ognahay qabyo badani way jirtaa, laakiin inkasta oo ay qabyadaasi jirto, anagu waxaanu leenahay doorashooyinku waa inay dhacaan oo aynu ku dhiirano”. Hase yeeshee gudoomiyaha KULMIYE, Axmed-Siilaanyo waxa uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey mawqifkooda ku waajahan muddo kordhinta hadii ay meesha timaado, wuxuuna yidhi “Dad baa muddo kordhin sheeg sheega, waxaan leeyahay muddo kordhini ma aha wax maanta dalkeena xal u noqon kara, mana aha wax shacbiga iyo dunida midna u cuntamaya”. “Marka aynu arimaha qaranka ka hadlayno waxaynu u baahanahay inaynu wada jir wax u qabano, inaga oo tartamayna”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay, laakiin weriyayaasha su’aal ka daba tuuray. “Mar waxaan maqlay dawladda ayaa qabanqaabinaysay, mar waxaaan maqlay UDUB baa qabanqaabinaysay, mar waxaan maqlay dawladda hoose ayaa qabanqaabinaysay, laakiin anaga cid qabanqaabadeeda nala socod siisay iyo cid nagala soo xidhiidhay ma jirto,diyaarna waanu u ahayn inaanu ka qayb galo, xan bayse leedahay sababta uu xisbi qudhi uga qayb galay”.

 

Marka laga hadlayo arimaha doorashada waxa jira aragti ay dadka qaar qabaan, taas oo ah inaan cidina ka badinayn ururka dawladda ee UDUB, maadaama ay hogaamiyayaasha UDUB u badan yihiin ama yihiin masuuliyiinta taalda dawladda gacanta ku haysa, laakiin gudoomiyaha KULMIYE mar la waydiiyey rajada uu ka qabo inuu UDUB iska celin karo wuxuu ku jawaabay “Horta isku millanka dawladda iyo UDUB dhaaxaanu ka hadalay, dodo badana waanu ka yeelanay, ururaduna mawaaqif cad bay, iyaga oo dhan ka soo saareen, madaxweynaha laftiisana waanu la shiray oo waanu u sheegnay, waxaynu had iyo goor nidhaahnaa hadii aynu doorasho galo magac baynu dunida kaga helaynaa oo wax baa inoogu kordhaya, taasi waa dhab, laakiin waa hadii ay doorasho xalaal ahi dhacdo, doorashada xalaasha ahina waa ta loo siman yahay, waxaana jira wadamo badan oo inta ay doorasho galeen dunidu kaga carartay oo ay kaga googoosatay, waxaana wadamadaa ka mid ah Simbaabwi, markaa doorashada inaga iibsamaysaa ma aha doorasho kasta waayo doorashadu waxay leedahay mabaadi’I la yaqaan, hadii ay doorashadu inaga xumaatana wax bay inoo dhimaysaa ee waxba kordhin mayso arintaasina waa mid weli taagan”, laakiin waxa uu intaa ku daray “Dawladdu , iyadoo sidaas ah hadana waxaanu qabnaa inaanu boodh kaga duulinayno, waxaanuna u ordaynaa inay doorashadu dhacdo”. 

 

Hase yeeshee Axmed-Siilaanyo waxa uu qiray duruufaha jira ee ku gadaaman doorashada, wuxuuna yidhi “Doorashooyinku waa wax inagu cusub, qabyooyinka jirana waxa ka mid ah dadkeena oo aan asxaabta u barran, waxa ka mid ah dhaqaalaha oo asxaabta intooda badani dad taageera may waayin, laakiin dhaqaale daro badan baa jirta oo marka laga hadlayo UDUB wax kale xisbiyada ma dheera ee waxay dheer yihiin awoodii dawladda iyo dhaqaaleheedii”.

 

Gudoomiyaha KULMIYE su’aalaha ay weriyayaashu halkaa ku waydiiyeen waxa ka mid ahayd su’aal ahayd, in lagu xanto Axmed ahaan ama ay dadka qaar isla dhexmaraan inay dawladda Itoobiya dabada ka wado oo siiso taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale dirkaba, laakiin Axmed-Siilaanyo intuu waxoogaa dareen ah muuijyey ayuu qaarka sare la soo hinqaday, wuxuuna ku jawaabay “Ma jirto dawlad Itoobiya ah oo dabada iga wada iyo dhaqaale ay I siisaa toona”, laakiin waxa uu intaa ku daray inay jiraan rag ka mid ah madaxda iyo siyaasiyiinta dunida oo ay Itoobiyana ka mid tahay oo ay si shakhsiya u yaqaaniin.

 

Marka la eego duruufaha iyo wararka ku xeerran qadiyadda doorashada waxay dad badan u muuqda walaac ah inaanay doorasho suurta gelayn, taas darteed-na marka ay dhamaato mudada sharciyadda ee dawladda talada haysa ay lagama maarmaan tahay in xal la gaadho si aan loogu dhicin meel dhexe, laakiin hadii ayba taasi dhacdo waa lagu kala aragti duwan yahay sida la yeelayo, taas oo marka la eego wararka siyaasadda ay qoloba ra’yi ama hindise u toog hayso, laakiin gudoomiyaha KULMIYE Axmed-Siilaanyo mar la waydiiyey in hadiiba ay dhacdo inay doorashadu ku qabsoomi waydo xiliga loo cayimay bal inuu jiro hindise ama ra’yi u guntan oo ay u toog hayaan wuxuu ku jawaabay “ Anagu waxba hoosta kuma haysano, laakiin hadiiba ay dhacdo inay doorashadu suurta gal noqon waydo waxaanu leenahay waa in qaranku isu yimaado oo tashadaa, wixii ay ummaddu ku heshiisano waanu u hogaansamaynaa”.

 

Marwada madaxweynahay

 

 

Boorame (Haatuf): Marwada madaxweynaha Somaliland, marwo; Huda Barkhad iyo wefti ay hogaaminayso ayaa shalay galab dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay booqasho laba maalmood qaadatay ku tagtay xarunta gobolka Awdal ee Boorame, waxaana marwada iyo weftigeeda halkaa ku soo dhoweeyey madaxda maamulka Boorame iyo madaxda ururada haweenka.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame Maxamed Cumar marwada madaxweynuhu waxay hogaaminaysay raxan dumar ah oo ay ka mid yihiin marwooyinka wasiirada qaarkood iyo xubno ka socda ururada haweenka qaarkood, waxayna marwo: Huda u sheegtay in sababta socdaalkeeda Boorame uu ka dambeeyey martiqaad ay sheegtay inay ka heshay haweenka ururka NOW ee gobolka Awdal, waxaana habeenimadii habeen hore xaflad balaadhan oo lagu so dhowaynayo marwada iyo weftigeeda lagu qabtay guri ku yaal magaalada, halkaas oo ay ka jeedisay hadal ku waajahan dadka reer Boorame, iyadoo dadka reer Boorame ugu baaqday inay ka shaqeeyaan nabadgelyadooda iyo midnimadooda.

 

Sidoo kalena marwadu kooxo dhalinyarada reer Boorame ah oo had iyo goor is laaya waxay u jeedisay inay isla ilaawaan rabshadda iyo cadaawadda oo ay ka shaqeeyan dhismaha dalkooda iyo Mustaqbalkooda.
Marwo: Huda intii ay joogtay Boorame waxa kale oo ay kulamo la yeelatay qaar ak tirsan ururada haweenka ee Boorame, waxayna deeq xoolo qaliin ah iyo qalab kale isugu jirta siisay goobo ay ka mid yihiin cusbataalka guud, goob lagu xanaaneeyo dadka waallan iyo xarun kale oo, iyana lagu xanaaneeyo haweenka da’da ah.

 

Dawladda hoose ee Boorame oo Sumaysay Ey

 

 

Hargeysa (Haatuf): Maamulayaasha dawladda hoose ee Boorame ayaa shalay bilaabay olole ay ku sumaynayaan boqolaal Ey ah oo la sheegay inay magaalada ku hayeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin xoolaha cunayaan iyo nadaafadda magaalada oo ay waxyeelo ku hayaan, waxaana sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf Ey-da la laayey lagu ururiyey meelo godod ah.

Hawlgalkan ay dawladda hoose ee Boorame ku laysay Ey-da waxay kaga jawaabaysaa cabasho ka soo yeedhay dhinaca dadweynaha, taas oo ay dadku dal-badeen in wax laga qabto Ey-da ku soo badatay suuqyada magaaalada oo ay dadku sheegeen inay ku hayaan dhibaato dhinaca saxada ah iyo xoolaha oo ay cunayaan.

 

Baaq beeleed

 

Hadii aanu nahay odayaasha, culimo-udiinka, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo wax garadka hoos ku qoran oo ka tirsan beesha Axmed Faarax-biciide waxaanu beeninaynaa, isla markaana aanu leenahay waxba kama jiraan ninka la sheegay in dhowaan magaalada Ceerigaabo loogu doortay boqorka beesha H/Bari. Sidaa darteed beeshu waxay ogeysiinaysaa beelaha Somaliland oo dhan inaanu ninkaasi ahayn boqorka H/Bari, arintaasina ay tahay been-abuur aan raad lahayn. Waxa kale oo aanu cadaynaynaa inaanay beeshayada meeshaa cidi ka joogin, kana metelayn, isla markaana aanay jirin cid talo loogu diray, warkaasna markii aanu maqalay waxa uu nagu noqday la yaab, taasina waxay keentay inaanu bayaankan beeninta ah ka soo saarno, waxayna kala yihiin magacyada bayaanka saxeexay.

1-Caaqil: Saalax Ayaanle Dacar.

2- Caaqil: Axmed Cali (Axmed-Carab).

3- Maxamed Cabsiiye Diiriye.

4- Ducaale Mire Faarax.

5- Siciid Cabsiiye Diiriye.

6- Caabi Cabsiiye Diiriye.

7- Cabdi Ismaaciil (Daacad).

8- Maxamuud Axmed Maxamed.

9-Mire Axmed Muuse.

10- C/laahi Cigaal Diiriye.

11- Qaasin Jaamac Caynab.

12- Faarax Jaamac Axmed (khaldaan).

13- Cabdi Muuse Diiriye.

14- Muuse Cabdi Ducaale.

15- Cabdi Mire Cawaale.

16- Cawil Saleebaan Xasan.

17- Cabdi Ducaale Jaamac.

18- Aadan Maxamed Mire.

19- Axmed Ibraahin Dhunkaal.

20- Mustafe Caydiid Jaamac.

21- Cali Cabdilaahi (Hunguri-lacag).   

 

 

  

Mahad

Aniga oo ah muwaadin u dhashay Somaliland, isla markaana jecel diintiisa iyo horumarka dalkiisa, waxaan maanta halkan ku muujinayaa, uguna mahad-naqayaa inta jecel horumarka dhalinayrada Somaliland, mar kasta la garab taagan maskaxdooda iyo muruqooda, waxaana kuwaa ka xusayaa; Maamulka shirkadda Dahab-shiil, Wasaaradda ciyaaraha, UNICEF, gaar qaybta ciyaaraha u qaabilsan iyo dhammaan joornaalada dalka ka soo baxa. Waayo ugu horayn shirkadda Dahabishiil waa shirkad aad u jecel horumarka dhalinyarada Somaliland, isla markaana al socda wixii dalka ka jira iyo xaaladaha shacabka, wuxuuna hadii aanu nahay dhalinyarada Somaliland naga mudan yahay texgelin iyo xusuus dheeraad ah.

 

Wasaaradda ciyaaraha Somaliland waxay iyana mudan tahay mahad-naq, waayo wixii ay qaban karaysay way qabatay, isla markaana waxba kama hagrato hawlaha iyo horumarka ciyaaraha dalka.

Waxa kale oo aan si gaar ah ugu mahad-naqayaa Aamina Nuur oo UNICEF u qaabilsan dhinaca ciyaaraha, waayo waa gabadh u dedaal badan dhalinyarada ciyaaraha, iyadoo u muuqatay gabadh waayo-aragnimo u leh arimaha ciyaaraha, isla markaana jecel farxadda iyo horumarka dhalinyarada.

 

Ugu dambayn waxaan u mahad-naqayaa guud ahaan joornaalada wadaniga ah, waayo waxay ka shaqeeyaan horumarka dalka, iyaga oo soo bandhiga, kana shaqeeya wax kasta oo horumar ah oo uu dalku u baahan yahay.

Maxamed/Amiin X. Cige Aadan- dhalinyarada Awdal