Haatuf News
Issue: 175 Date: 7October 2002
BADHEEDHAHA WARGEYSKA
Yaa ka shaqeeyey inay Itaal-Darada Baarlamaanka
|
Waxay iswaydiintu tahay, maxaa horjoogsanaya inuu madaxweynaha la doortay keligii taliye noqdo? Sidoo kale maxaa ka horjoogsanaya inuu musuqmaasuq sameeyo ama cadaalad daro sameeyo, maxaase ilaalinaya in sharci loo sinaado ama sidiisa loogu dhaqmo?
Dhamaan su’aalahaa waxa la iswaydiiyey maalintii la soo bandhigay nidaamka dawladeed ee ay Somaliland ku dhaqmayso inuu ahaado madaxweyne, madaxweyne-kuxigeen iyo laba gole oo sharci dejin ah.
Jawaabihii laga bixiyey arimahaa waxay ahayd in labada gole ee sharci dejinta ayaa u xilsaaran oo uu waajibkoodu yahay inay ansixiyaan shuruucda wadanka lagu dhaqayo iyo dahqaalaha uu isticmaalayo hogaamiyaha dawladda oo ah madaxweynaha ama Madaxa golaha fulinta (Xukuumadda). Laakiin iswaydiintu waxay tahay golayaashii sidaa loogu talo galay ma u hawl galeen inay ka soo baxaan xilkii loo qorsheeyey, hadiise aanay sidaa noqon ama u hawl gelin inay noqdaan ma iyagaa sidaa goostay, mise cid baa ka hawl gashay oo ka weecisay inay tahli kari waayaan gudashada waajibaabkooda.
Suaasha kale ee meesha taal waxay tahay maxaa ugu wacan xubin wasiir ah oo ay ansixintiisa wasiirnimo ama diidistiisu ku xidhan tahay baarlamaanka inuu hadana yeesho awood iyo tixgelin sharci oo uu ku farageliyo hawlaha shuruucda u baahan si seeska loogu dhigo.
Waa hubaal inaanay itaal badan lahayn ama ay aad daciif u tahay awoodda baarlamaanka Somaliland marka loo eego awoodda sharci ee ay leeyihiin, laakiin waxyaalaha sababay waxa ka mid ah, iyadoo ay taa ka hawl galeen ragga xukuumadda ku jira, kuwaas oo weliba sii kala duwan, taas oo ay jiraan rag wasiiro ah ku firfircoon inay maax dumiyaan ama laciifiyaan awoodaha baarlamaanka, iyadoo ragga hawshaa lagu xanto ay ka mid yihiin niman hadda wasiiro ah, laakiin asalkoodii hore ahaa saraakiil milateri, sidaa darteed aanay u cuntamayn inay ku shaqeeyaan nidaam la xisaabtamayo oo ay waliba maamul ahaan isu dheeli tirran yihiin, Taasina waxay xukuumadda u suurta gelisay inay golaha wasiiradu sida ay doonaan uga go’aan gaadhaan hadii ay tahay awoodaha fulineed iyo hadii ay tahay isticmaalka dhaqaaleba. Laaakiin taasi ma aha arin mudadan gaaban ee uu xilka hayey madaxweyne Daahir Rayaale ee waa arin soo jirtey in muddo ah. Sidoo kale nimanka hadda wasiirada ka ah ee hore asalkoodu u ahaan jirey askarta waxay isticmaalaan qaab aan sharcigu u fulin sidiisa, taas oo la mid ah qaabkii uu u dhaqmi jirey Joseph Staline oo mar madaxweyne ka ahaa midowgii Sofiyeti, kaas oo jagooyinka muhimka ah geysan jirey dad isaga taageersan oo ay ehel yihiin, isla markaana wasiiradiisuna, iyaga ayaa lahaan jirey talada lagu magacaabayo madaxda sare ee hayadaha sharciga, sida maxkamadaha iyo booliska si loo geeyo qof ay ehel yihiin, taas oo ay wasiirada Josaph Staline lahaayeen awood sharciga ka saraysa, iminkana waxa marag ma doon ah inay Somaliland ka jiraan wasiiro sharciga ka sareeyaa, kuwaas oo wixii ay wataan had-ba sharciga dhinac ugu janjeedhinaya.
Sidoo kale waxa intaa dheer inay aad uga hawl-galeen inay gacan weyn ku yeesheen qaabka hogaaminta iyo hawlaha golayaasha baarlamaanka, waxayna taasi u suurta gelisay inay awood u yeelaan qof aan lahayn awood sharci, laakiin isticmaalaya awood aanu lahayn.
Arintu sida ay doonto ha ahaadeene waxay arintu ku wanaagsan tahay ama haboon inay golayaasha sharci dejintu ku dedaalaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda, isla markaana u isticmaali lahaayeen awoodahooda sharci oo aanay cidna magan uga noqon awoodooda si uu u yaraado ama uu meeshaba uga baxo nidaam keli-talis ahi, musuq-maasuq, cadaalad daro iWM. Laakiin taasi waxay u baahan tahay in la fahmo halka, cidda iyo sida loogu soo duulay inuu Somaliland si dhab ah uga hirgalo nidaam maamul oo danaynaya inuu ka shaqeeyo danta guud ee dadweynaha. Iyadoo la odhan karo xilkii wasiirnimo ama madaxnimo iyo hantidii ummaddu waxay gacanta u gashay qof aan hiyiga ku hayn inuu hirgalo nidaam sharciga loo siman yahay.
Marka laga hadlayno ragga wasiirada ah ee ay fartu sida gaarka ah ugu goddan tahay inay ka hawlgaleen maax-duminta awoodda baarlamaanka waxa laga yaabaa inay dhinaca xukuumadana u tuseen inay dantu ugu jirto xukuumad ahaan baarlamaan itaal darran oo aan lahayn awood uu ku joojiyo xukuumadda hadii ay waddo joorfal aanay danta ummaddu ku jirin, laakiin run ahaan taasi hadii ay sii jirto ma noqon doonto mid lagu gaadho horumar iyo nidaam dawladeed oo macno leh, waxayse keeni kartaa dib u dhac iyo xumaan isbiirsata, ka dibna keenta burbur sida aynu wadamo badan oo dunida ah oo nidaam keli talis ah ku soo dhaqmi jirey uga soo joognay.
Hadaba marka la eego doodaha iyo warbixinaha ay golaha wakiiladu ku aftaxeen kalfadhigoodan waxay xuseen inaanay xukuumaddu ku dhaqmin shuruucda ay gole ahaan ansixiyaan, isla markaana uu jiro musuq-maasuq badani, laakiin waxa iswaydiin leh wasiirada aynu soo xusnay ee samaystay nidaam ay sharciga kaga sareeyaan ma ismacaan inuu golaha baarlamaanku Madaxa la kaco, jawaabtu waa maya, laakiin waxa baarlamaanka la gud-boon inay u midoobaan, kana shaqeeyaan sidii ay u xaslan lahaayeen awoodooda sharci iyo karaamadooda masuuliyadeed oo ay meel mariyaan inaanu jirin ama jiri karin qof sharciga ka sareeyaa iyo inuu meesha ka baxo oo aanu shaqayn hab-dhaqanka qaldan ee xilalka dawladda loogu meelaysto shakhsiyaad loogu xishay dano gaar ah, ehelnimo, qabiil IWM. Arintaas oo hadii ay sii jirto noqon doonta mishiin quwadda ugu weyn ku taageera inuu hirgalo ama gaamuro nidaam keli-talis ahi iyo inay gebi ahaanba meesha ka baxdo jiritaanka ama suurta galnimada nidaam maamul oo ka saafi ah dhaqamada xun-xun ee aynu soo xusnay, taas oo macneheedu yahay inay shaqeeyaan awoodaha wax ilaalinaya ee hayadaha sharci dejinta si uu maamulka Somaliland u noqdo mid ka samata baxa nidaam kelitalisnimo ka muuqato ama ku dhisan.
Ururada Siyaasadda ee Boorama oo Qaadacay Guddiyo Doorashooyin oo Loo Magacaabay Gobolka Awdal
|
Boorame (Haatuf): Wakiilada toddoba urur-siyaasadeed oo Boorame ah ayaa qaadacay guddi doorasho oo dhowaan loo magacaabay gobolka Awdal, sidaana ku sheegeen bayaan qoraal ah oo ay shalay ka soo saareen magaalada Boorame, waxayna sababta qaadacadooda ku xidhiidhiyeen saluug ay ka muujiyeen qaabka loo maamulay magacaabistooda iyo iyaga oo sheegay inay xubnaha la magacaabay u badan yihiin dadka taageersan ururka UDUB.
Bayaankaa qaadacaadda ah oo uu weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar noogu soo diray isgaadhsiinta faakiska, waxa uu u qornaa sidan:
“Fadhi ay sideed urur-siyaasadeed oo heer gobol ahi ku yeesheen magaalada Boorame muddo laba maalmood ah oo ah intii u dhexaysay 6-dii — 7-dii bishan Oktoobar waxay ku fallan-qeeyeen arin ku saabsan magacaabista guddiga doorashooyinka ee heer gobol iyo degmo ee gobolka Awdal oo ay 6-dii bisha magacaabeen guddiga heer qaran ee doorashooyinka, waxaana fallanqayntaa ka soo baxay:
Qaabka loo magacaabay guddigaa iyo magacyadooduba waxay ahayd mid ka baxsan sharciga, sababta oo ah waxa si toos ah ugu dhawaaqay gudoomiyaha gobolka iyo maayarka Boorame.
Xubnaha la magacaabay waxay intooda badan ka tirsan yihiin ururka UDUB, waxayna si cadaan ugu ololaynayeen hawlaha uruka UDUB, taasina kama dhigayso dhexdhexaad ay wada aaminsan yihiin ururada tartamayaa.
Guddiga doorashada iyo maamulka xukuumadda ee soo wada magacaabay xubnahaasi kalama ay tashan ururada siyaasadda ee ka furan Boorame, isla markaana xubno ururada siyaasadda ka mid ah oo si kedis ah ugu tegay shirkii lagu magacaabayey guddigaa waa loo diiday inay shirkaa ka hadlaan si ya aragtidooda uga dhiibtaan.
Gebagebadii hadii aanu nahay ururada siyaasadda ee goboka Awdal waxaanu diyaar u nahay inay qabsoonto doorasho xalaal ahi, waxaanuse aad uga xunahay qaabka loo marayo doorashada oo ah mid ay ka muuqato madmadow badan, sida arinkan aanu bayaanka ku cadaynayno oo kale oo hadii aan wax laga bedelin keeni doonto inaan masraxa doorashadu ahayn mid loo siman yahay.
Guddiga doorashada ee heer qaran waxaanu kula talinaynaa inay dib uga noqdaan arinka ku saabsan magacabista guddiga doorashada ee heer gobol iyo degmo ee Awdal, si loo waafajiyo xeerka doorashada oo ah inay la tashi buuxa la sameeyaan ururada siyaasadda si ay xafiisyadoodu u noqdaan kuwa aanu ku wada hirran karno. Waxa kale oo aanu kula talinaynaa maamulka gobolka iyo degmada Boorame inay isu arkaan dhexdhexaad ka madax banaan ururada tartamaya, isla markaana ay joojiyaan talaabooyinka hadda muuqda”ayey ku soo xidheen qoraalkooda, waxayna kala yihiin xubnaha bayaanka saxeexay:
1- Maxamed Daahir Cabdalle-ASAD
2- C/laahi Ismaaciil Oogle--HORMOOD
3-Axmed Muxumud Geelle— KULMIYE
4- Carab Gaas Sugaal—BIRSOL
5- Ibraahin X. Maxamud Suldaan--UMAD
6- Siciid Raygal Warsame—UCID
7- Mustafe Xasan Maydhane—SAHAN.
Usama Binu Laadin Oo Ku Ballan Qaaday Inuu Weeraro Cusub Ku Qaadayo Maraykanka
A |
l-Jaziira– Televisionka Al-jasiira ee madaxa banaan ayaa xalay sii daayay hadal uu jeediyay hogaamiyaha ururka Al-qaacida Usaama Binu Laaden, kaasoo uu ku ballan qaaday weeraro cusub oo uu ku qaado maraykanka oo uu ku tilmaamay inaanay cashar ku qaadan weeraradii 11-kii September 01,.
Cajaladan uu helay televisionka aljasiira, oo aanay cadayn xiliga uu duubay waxa ay muujinaysaa inuu Usaama Binu Laaden weli nool yahay, iyadoo uu dhawaan televisionka CNN ee maraykanku uu sheegay inuu dhintay.
Usaama oo la hadlayay dadka maraykanka ayaa yidhi “waxaan idiinku yeedhayaa inaad fahantaan darsigii ay idin siiyeen weeraradii 11-kii September oo daba socday godobo hore, iyo dambiyo laga galay dadka muslimiinta caalamka” isagoo intaa ku daray, “falalka uu weli sii wado maraykanku waxay muujinayaan inaanay dersi ku qaadan weeraradaydii hore, waxaanan idiinka digayaa gardarada, aad ku haysaan dadka muslimiinta ah inta aanay idinku dhicin weeraro kale” waxaanu Usaama rajeeyay inuu ku guulaysto dagaalka uu kula jiro maraykanka isagoo intaa ku daray inay bartilmaameed ka dhiganayaan halbowlayaasha dhaqaalaha ee maraykanka si ay u naafeeyaan cududiisa dhaqaale,. Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay inaanay maraykanka iyo xulafadiisu ku negaanayn Afqaanistaan oo ay la kulmi doonaan jabkii ay dadka reer Afqaanistaan hore ugu geysteen Ruushka iyo Ingiriiska. Hadalkan cusub ee Usaama wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhawaan la xusay sanad guuradii weeraradii 11-kii September ka dhacay maraykanka.
“Guudha Ay Ciyaarahani Ku Dhanmmaadeen Waxay Muujinaysaa Nabadda Iyo Horumarka Ay Somaliland Gaadhay”
|
Hargeysa (Haatuf):Kooxda kubbada cagta ee gobolka Hargeysa ayaa ku guulaystay horyaalnimada gobolada dalka Somaliland ka dib markii ay maalintii shalay 5-4 kaga adkaatay xulka gobolka Togdheer oo ay isugu soo hadheern ciyaarta kama dambaysta ah ka dib markii ay ka soo gudbeen wareegyadii hore ee ciyaaraha oo ay isku arkeen dhammaan lixda Gobol ee uu ka koobanyahay dalku, ciyaarta xidhitaanka tartanka ee dhexmartay labada kooxood oo ahayd tii ugu xiisaha badnayd tan iyo markii uu tartanku bilaabmay 24kii September 2002, waxa kasoo qayb galay kumanaan kun oo ah taageerayaasha labada kooxood oo buux dhaafiyay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Staduim.
Waxa kale oo ka qayb galay xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan xidhiidhada ciyaaraha dalka iyadoo hadalo kooban halkaa laga soo jeediyay, Gudoomiyaha xidhiidhka kubbadda cagta Somaliland C/Rashiid oo ugu horeyn hadalka qaatay ayaa uga mahad naqay Xukuumadda Somaliland taageeradii ay ka geysatay qabashada ciyaarahan oo uu sheegay inay muujiyeen sida uu dalku, uga qayb qaadan karayo ciyaaraha caalamiga ah. isagoo sheegay in garsoorayaasha Somaliland yihiin qaar caalami ah oo u qalma inay garsooraan ciyaaraha gobolada iyo kuwa caalamiga ahba
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Faarax Jaahweyn oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay sida uu u ugu faraxsanyahay inay ciyaaraha gobolada oo muddo socday ay ku dhammaadaan si guul ah.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu Xidhay tartankii ciyaaraha gobolada dalka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu xidho ciyaaraha gobolada taasoo muujinaysa ayuu yidhi nabadda iyo horumarkay ku talaabsatay Somaliland.
Waxaanu intaa ku daray inay waajib tahay in dedaalka halkaa laga sii wado lana sii horumariyo ciyaaraha dalka.,.
Markii ay waxa bilaabantay ciyaartii dhexmartay xulka gobolka ee Hargeysa iyo Togdheer oo ay ka muuqatay inay si aad ah ugu soo diyaar garoobeen ciyaarta si ay u hantaan koobka guusha saacadu markii ay ahayd 3:00pm ayay ciyaartu bilaabantay iyadoo labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar adag oo aad u qurux badan. Balse qaybtii hore ee ciyaartu waxa weeraro kululaa Kooxda gobolka Togdheer oo aad moodaysay inay ku taamayeen inay goolal dhaliyaan. Balse waxa u jilib dhigay goolhayaha xulka Hargeysa oo isku duubay kubbado badan soo ay loo laageen xulka Togdheer. Isla qaybtii hore ee ciyaarta ayuu gobolka Togdheer dhashaday gool ku dhashaday si khalad ah iyadoo ciyaartoyga dhaliyay ku jiray haaf saydh. Qaybtii hore ee ciyaartuna waxay ku dhammaatay iyadoon wax gool ah la dhalin. Markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay sidoo kale labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u adag, iyagoo isweydaarsaday weeraro iyo weerar celis. Balse labada kooxoodba umay suurto galin inay wax goolal ah dhashadaan markii ay dhammaatay 90 daqiiqadood ee ciyaarta loogu talo galay iyadoo aan wax gool ah la dhalin ayuu garsoorkii kubbaddu ku daray, Toban daqiiqo balse waxay dhamaadeen iyadoo aan labada kooxood wax goolal ah dhashan. Taasina waxa ay keentay in labada kooxood lagu kala saaro Rigoorayaal kuwaasoo ay guushii ku raacday Kooxda xulka gobolka Hargeysa 5-4 oo kaga badiyay Kooxda xulka Togdheer garsooraha dhexdhexaadinayay wuxuu ahaa khadar jiilaal
Iyadoo oo uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ku gudoonsiiyay koobkii guusha Kooxda xulka Gobolka Hargeysa.
Dhinaca kalena waxa ciyaartan barbar socday ciyaaraha orodka 1000mt ah oo ay ka qayb qaateen orodyahano ka kala socday gobolada dalka.
Tartankaana waxa kaalinta koowaad galay Axmed Koosaar Xuseen oo ka socday gobolka Hargeysa, oo ku orday 32:15.
Kaalinta labaadna waxa galay Maxamed cali Cabdilaahi oo ka socday gobolka Togdheer, kuna orday 34:15.
Kaalinta saddexaadna waxa galay Ayaanle Muuse Liibaan kana socday Hargeysa kuwaasoo uu sacab xooglihi u dhacay markii ay soo galeen garoonka aadna loo soo dhaweeyay.
Intii ay ciyaartu socotay waxa lagu xusay Aabihii ciyaaraha Somaliland Marxuum Cabdi Siciid Xuseen oo loo aamusay qadar daqiiqado ah si loo xusuusto kaalintiisii uu ku lahaa ciyaaraha Somaliland.
“Aniga Dadkaygaa I Doortay, Dawladduna Wax Shaqo Ah Kuma Lahayn”
Boqor Cismaan Aw Maxamuud
|
Hargeysa (Haatuf): “Waxa yidhi sidaa yidhi aad baanu uga xunahay nin-na damiirkiisa ma iibsan karo”sidaa waxa yidhi Caaqil: Abokor Xasan Dhunkaal oo ka mid ah cuqaasha gobolka sanaag, wuxuuna caaqilkaasi ka hadlayaa boqor la sheegay inay dhowaan ku boqreen magaalada Ceerigaabo, isaga oo intaa ku daray “Halkan (Ceerigaabo) waa lagu magacaabay, laakiin caleemo saarkii rasmiga ahaa 15-ka bishan ayuu Ceel-afweyn ka dhacayaa, dawladuna way ka soo qayb gelaysaa, beelaha iyo madax-dhaqameedyadooduna way ka soo qayb gelayaan, waxanina waa wax rasmi u soo baxaya oo aan ku baaqanayn dad ma kas ah oo wax qor-qora”
14 caaqil ayaa markii u horaysay bishii ina dhaaftay ee Sabtembar ku dhawaaqay inay boqorka H/jeclo Bari u caleemo saareen Cismaan Aw-Maxamuud oo reer Ceel-afweyn ah. Hase yeeshee soo arintaa waxa ka dhashay sawaxan farta ku fiiqaya in la isku khilaafsan yahay arintaa, waxaana ka hadlay dad ka tirsan beelaha uu ka soo jeedo ninka la boqray, kuwaas oo soo saaray qoraalo ay jaraa’idka ku baahiyeen, iyaga oo been-abuur iyo wax aan la isla ogayn ku tilmaamay ninka la boqray, iyadoo uu xiligaa beesha H/jeclo Bari shir uga socday magaalada Ceerigaabo.
Caaqil Abakor Xasan Dhunkaal oo ka mid ah cuqaasha ku dhawaaqay boqorka ayaanu isgaadhsiinta telefoonka ku waydiinay arinta sawaxanku ka dhashay ee ninka ay boqreen, wuxuuna ugu horayn yidhi “Caleemo-saarka boqorka H/jeclo Bari cid ka maqnayd ma jirto ergooyinka shirkuna way aqbaleen”. “Aad iyo aad baan uga xumahay taa waayo nin-na damiirkiisa ma iibsado”ayuu yidhi caaqil Abokor Xasan Dhunkaal, isaga ka jawaabaya warar sheegaya inay 14-ka caaqil ee boqorka soo sharxay ay lacag qaateen, ka dibna ay go’aan gaar ah wax ku soo magacaabeen, wuxuuna intaa ku daray “Ragga sidaa yidhina waxaanu ku kalsoonahay inaanu maxkamad soo taagno, kamana hadhayno ninka sharaftayada qaawiyey ee yidhi lacag bay qaateen, isaga ayaana ninka sidaa yidhi cadayn doono meesha aanu lacagta ku qaadanay, idinka laftiinuna hadii aad joornaaliistayaasha tihiin hadalkaasi laaqi idinkuma aha, mana aha inaad hadalkiisa qaadataan nin suuqa iska jooga oo waxa uu doono iska odhanaya, mana aha inaad raacdaan ama dhegaysataan borobagaando suuqa la wado”.
Koox dad ah ka mid ah beesha uu ka soo jeedo caaqil Abokor Xasan Dhunkaal ayaa cadadkayagii shalay ku qoray bayaan ay ku sheegeen inaanay metelin cidda wax ka boqortay ninka la boqray, laakiin caaqilka oo aanu wax ka waydiinay dadka beeshiisa ka tirsan ee arintaa beeninaya ayaa ku jawaabay “Halkan afar caaqil oo Axmed Faarax ah ayaanu ku fadhinaa, kuwaas oo kala ah aniga (caaqil Abokor Xasan), Caaqil Dirir Ducaale Dhuxul, Caaqil Salaad Caraale Cabdi iyo caaqil Yaasiin Barre, ragga wax qoray ee cuqaasha sheeganaya idinka (weriyaha) inoo yaqaan, reerahana anaga ayaa cuqaal u noqonayna ama kuwa aad qorteen ayaa u noqonaya”.
Dhinaca kalena ninka la boqray Cismaan Aw-Maxamuud ayaanu isna waydiinay cidda dooratay, wuxuuna ku jawaabay “Aniga dadkayga ayaa I doortay, arintanina markii u horaysay waxay ahayd go’aan ay cuqaashu gaadheen, ergooyinkii shirkuna way ku raaceen”.
Waxa jirey warar ay dadka qaar isla dhexmarayaaan oo ay leeyihiin boqornimada ninkaa waxa dabada ka wada oo sameeyey dawladda, laakiin ninka al boqray Cismaan Aw-Maxamuud oo aanu taa waydiinay waxa uu ku jawaabay “Aniga dadkayga ayaa I doortay, dawladduna wax shaqo ah oo ay ku lahayd ma jirin”. Laakiin ninka boqor laga dhigay waxa uu ka tirsan yahay golaha dhexe ee ururka UDUB, sidaa darteed mar aanu waydiinay arintaa waxa uu yidhi “Maadaama iminka madax-dhaqameed lay doortay arimaha xisbiyada dhex baan ka ahaanayaa, mana ihi nin hadda xisbi gaar ah u ololaynaya, intii xisbiyada meesha ka joogtayna way I wada doorteen, sida UDUB, KULMIYE, ASAD iyo ILAYS”.
“Anigu talada reerka ayuun baan had-ba wixii ay cuqaasha iyo wax garadka reerku ku tashadaan gudoominayaa, talada siyaasaddana siyaasiyiinta ayaanu uga dambaynaynaa”ayuu intaa ku daray boqor Cismaan. Laakiin mar la waydiiyey sida uu u arko dadka jawaabaha diidmada ah ka bixiyey boqornimada loo doortay wuxuu ku jawaabay “Koley qof madax ah marka la doorto wax waa laga sheeg-sheegayaa, markaa dadkaa wax qor-qoray waxba ka odhan maayo, xilkana beesha ayaa ii soo jeedisay inaan u qabto”, wuxuuna intaa ku daray inuu hadda magaalada Ceerigaabo ka wado hawlo nabadayn ah oo ay isaga (Boqorka) iyo madax-dhaqameedyo kale ku xalilayaan dhibaatooyin dhexyaal dad ka soo kala jeeda beelaha Ceerigaabo qaarkood.
Mudanayaal Baarlamaanka Somaliland Ah Oo Baaq U Jeediyay Caalamka Iyo Reer Muqdisho
|
Hargeysa (Haatuf): Guddiga Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay shir Jaraa’id ku qabtay Hotel Ming Sing ee Hargeysa, kaas oo ay ka soo qayb-galeen Guddoomiyaha Guddigaas Maxamed Muuse Diiriye, Xoghayaha Guddigaas Prof. Maxamed Barkhad Miigane iyo Mudane Maxamed Aadan Gabaloos oo ah, Xubin ka tirsan Guddiga Siyaaasadda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Golaha Wakiillada Somaliland.
Shirkaa Jaraa’id ee mudanayaashu, wuxuu isagu jiray Qadiyadda Somaliland, Arrimaha khuseeya Soomaaliya iyo Maamulka C/Qaasim iyo mahadcelin ay u soo jeediyeen Diblomaasiyiintii reer Galbeedka ee go’aanka ka soo saaray magaalada Nayroobi ee xusay in Somaliland aanu khuseyn shirka lagu qabanaayo Nayroobi, dalka Keyna.
Mud. Maxamed Muuse Diiriye oo arrintaas ka hadlayaa, wuxuu yidhi; “Anaga oo daba socona hadal ay shalay sii daysay Idaacadda BBC-da oo ku saabsanaa nimankaa Carta oo adduunweynaha ugu baaqay in Somaliland ay ka soo qayb-gasho shirka Nayroobi, waxa aanu u aragnaa shirkan Nayroobi lagu qabanayaa waa kii 15aad. 14-kii shir ee hore midna Somaliland kamay qayb-gelin, iyadoo uu jiray qaraarro ay soo saartay Qaramada Midoobay oo ay leeyihiin ka soo qayb-gala. Anigoo u jawaabayaya nimankaa, waxaan leeyahay Adduunweynuhu wuu yaqaanaa waxa ay Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin. Waxaa la yidhi ‘Habar dhali wayday, Aleelo ku waalatay,’ waxay ka qabsatay nimankaa iyaga ah, Somaliland haka soo qayb-gasho, waxay doonayaan qof aan la joogin inuu Imaam u noqdo oo uu tukiyo, waana ta ay ku khaldan yihiin, yay garab marin, yay is diidsiinin waaqaca yaalla oo ah, lixdankii waxaanu la walaalownay angoo siddana dawlad dhan oo afartan sanno kadib dhibaatadii, burburkii, xasuuqii nagu dhacay ay nala noqotay intii aanu isla dhiman lahayn in aanu la soo noqono waxayagii, waxay ila tahay in ay ka kaaftoomeen, iskana ilaawaan ku xoqoshada Somaliland oo ay dantooda ka raacaan. Waxaan kula talin lahaa walaalahayaga reer Muqdisho in ay dhistaan dawladoodii ay Talyaaniga ka dhaxleen.”
Mud. Maxamed Muuse Diiriye, isagoo kala hadlaya qadiyadda Somaliland oo baaq u jeedinaya wadamada Adduunka, waxa kale oo uu yidhi: “11 (kow iyo toban) sannadood ayay Somaliland jirtay, Maamulkeedu dhisnaa, intii dawladdi lahaydba ay leedahay, sharciyadii ay OAU-du ku gaadhay Qaahira sannadkii 1963-kii, xuduudihii uu ka tegay isticmaarka in la xurmeeyo. Waxaanu u sheegaynaa anagoo ka duulayna taa adduunweynaha in ay hoos u eegaan oo ay u aqoonsadaan Somaliland in qaran jira ay ahayd, halka ay ka leeyihiin Somaliland dad gobanimo-doonna ayaanu u arkaynaa, Qaran jirana maanta ay yihiin.”
Mud. Maxamed Aadan Gabaloos oo ka tirsan Guddigaas Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Golaha Wakiillada oo shirkaa Jaraa’id ee shalay ka hadlay, ayaa yidhi; “Anagoo ka wakiil ah Golaha Wakiillada in aanu doonayno in aanu la hadalno dadweynaha Soomaaliyeed ee Koonfurta, waxaanu leenahay taladaa ay gaadheen ee Nayroobi lagu gaadhay, dantiina maanta ku jirta, waxaanay dantiisu ugu jirtaa, haddii ay ummaddi shuraakowdo oo ummadda shiraakowday ay is qabato oo ay shirkaddaa ku kala baxaan, dad baa garsoor u noqda. Haddaba, maanta dadkii garsoorka inoo noqday, waa kuwaa hadalka cad bixiyay ee yidhi Koonfur ama shirkaa Nayroobi lagu qabanayo ee Soomaaliya, Somaliland ma khuseyso aad bay horta guddidaa soo saartay ugu mahadsan tahay. Danta maanta loo danaynayaana, waa danta Koonfur Soomaaliya, waayo? Kol haddii la shuraakoobay lixdankii, sidii la ahaa in la inagu celiyo oo la inoogu gar-naqaa waa dantiina ayaanu leenahay, kuwa baaqa Xamar ka soo saaray, anigu uma arko in cid ay wakiil ka yihiin, umana arko in ay koox yihiin, waa kudlay iyagu intay is urursadeen shiray, iyagoon cidna sharciyad ka haysan ayay is magacaabeen. Hadalka ay leeyihiinna ma qabo in ay wakiil kaga yihiin dadka reer Koonfureedka ah. Dadka Koonfur ku nooli may igman iyaga.”
Prof. Maxamed Barkhad Miigane oo ah Xoghayaha Guddiga Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Baarlamaanka Somaliland oo shirkaas shalay ka hadlay, wuxuu sheegay oo uu yidhi; “Runtii Soomaaliya Soomaalida waxaa loo qaybiyay shan gobol, qayb la odhan jiray French Somaliland, Qatyb British Somaliland Protectorate la odhan jiray oo uu Ingiriisku xukumo, qayb Italian Somaliland oo uu talyaanigu xukumo iyo NFD. Dagaalkii labaad ee adduunka ka bacdi iyo u dhaqdhaqaaqii xoriyadda, waxaa shantaa Soomaaliyeed ku talo-galkeedu ahaa, shantii Soomaaliyeed sidii la isugu keeni lahaa ee qolo walba gaar looga soo saari lahaa gumaysiga, arrintaa waxaa dhacday in Nasiib wanaag ay Somaliland shantaa ugu hor heshay xornimaddii 26 Juun 1960, markaa shicibkii Somaliland waxay goosteen in walaalahooda Koonfurta oo qaadanayay gobonimada 1-da July 1960, in ay la galaan midnimo, taas oo ahayd Midnimo aan wax sharciya lahayn, folontari (voluntarily) ayay ugu darsameen. 27 Juun ayaa waxaa la sameeyay heshiis la yidhaa Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya, heshiiskaas Somaliland way saxeexday, laakiin waxaa diiday nimankii ka socday Koonfurta Soomaaliya, markii dambe ee la tegay Xamar, waxaa la sameeyay Act of Union oo la soo saaray 1st July, waxaa actigaa saxeexay qoladii koonfurta, qoladii Somaliland may saxeexin heshiiskaa, taasi waxay ku tusaysaa Somaliland iyo Soomaaliya marnaba tallaabo saxa oo labadii dhinac saxeexeen ka qayb-galeen kumay dhicin ee wuxuu ku dhacay si mutadawacnimo ah oo aan sharci iyo heshiis ku fadhiyin.”
“Anagu hadii aanu nahay saraakiishii milateri ee SNM waxaanu qaabilsanayn dagaalka, taana waanu ku guulaysanay, laakiin…”
Carab Ducaale-Waraysi
|
Burco (Haatuf): “Anigu waxaan leeyahay may jirin saraakiil SNM ah oo siyaasiyan isu haysaa, laakiin..” Sidaa waxa yidhi Carab Ducaale Cilmi taliyihii u dambeeyey ee ciidamadii SNM oo hadda ku sugan magaalada Burco, isaga dhowaan ka soo laabtay dalka Jarmalka oo uu muddo sagaal sannadood ah ku maqnaa.
Weriye A. Ducaale oo Haatuf ka tirsan oo dhowaan tegay magaalada Burco ayaa Carab Ducaale halkaa kula kulmay, wuxuuna la yeeshay waraysi dhinacyo badan leh, taas oo uu wax ka waydiiyey arimo la xidhiidha waayihiisii intii aanu dalka ka dhoofin, aragtidiisa waqtigan xaadirka ah iyo waxyaalo kale.
Carab Ducaale waa nin qardan oo dhumucweyn, waana nin cas, laakiin jinni weyn, wuxuuna ciidamadii dawladdii Somaliya ka gaadhay derejada Kornayl. “Aniga oo ka soo baxay dugsiga dhexe ee Dayaxa (Ceerigaabo) ayaan ka mid noqday dafcadii u horaysay ee lagu furay dugsiga farsamada gacanta Burco sannadkii 1965-kii”ayuu yidhi Carab Ducaale, isaga oo ka waramaya sooyaalkiisii waxbarasho, wuxuuna sheegay inuu dugsiga hoose ka galay magaalada Gar-adag, iyadoo uu Aabihii Ducaale ahaa caaqil, laakiin sannadkii 1968-kii ayuu ku biiray ciidamada milateriga, waxaana lagu qaatay Layli sarkaal, wuxuuna tababar saddex sannadood ah ku qaatay dalka Ruushka, halkaas oo uu sannadkii 1971-kii ka soo laabtay, isaga oo sarkaal ah. “Madaafiicda goobta ayuu takhasuskaygu ahaa”ayuu yidhi. Laakiin isla sannadkaa ayuu qabtay shaqadii u horaysay ee ciidan, isaga oo sheegay inuu abaanduule ka noqday urur milateri ah, wixii mudadaa ka dambeeyeyna waxa uu xilal taliye ciidan oo kala duduwan ka soo qabtay qaybihii kala duwanaa ee ciidamadii milateriga somalida. “Dagaalkii Itoobiya waxaan galay aniga oo taliye urur ah, waxaana laygu siiyey billad-geesi, sannadkii 1971-kiina waxaan qaatay gaashaanle dhexe”ayuu yidhi. Laakiin sannadkii mar kale ayuu waxbarasho u tegay magaalada Qaahira ee caasimadda Masaarida, wuxuuna galay kuliyad la yidhaahdo kuliyadda Abaanduulka, halkaas oo uu ku soo qaatay tababar muddo laba sannadood ah qaatay, isaga halkaa ka soo laabtay sannadkii 1983-kii, laakiin laba sannadood ka dib markii uu Qaahira ka soo laabtay oo ahayd sannadkii 1985-kii ayuu hadana galay kuliyad ciidamada ah oo ku taalay Muqdisho, laguna barto istaraatijiyadda.
Hase yeeshee aakhirkii Carab Ducaale waxa uu dabayaaqadii sideetamaadkii ku biiray ururkii SNM ee dagaalka hubaysan kula jirey dawladdii Siyaad Barre, wuxuuna ugu horayn taliye ka noqday qaar ka tirsan saldhigyadii iyo aagagii dagaal ee ciidamadii SNM. Laakiin bilowgii sagaashanaadkii ayuu noqday taliyaha guud ee ciidamadii dagaalyahanka SNM, xilkaas oo uu hayey ilaa markii lagu dhawaaqay dawladdii u horaysay ee Somaliland badhtamihii 1991-kii, ka dib markii uu ururka SNM qabsaday Somaliland, laguna dhawaaqay inay Somaliland tahay dal ka madax banaan Somaliyadii kale. Laakiin maadaama uu ahaa taliyihii ciidamada SNM ayaamihii ay gulufkii ugu dambeeyey ku qabsanayeen goboladii waqooyi ee dhul-weynihii Somaliya, waxa uu xoogaa ka waramay xaaladii dagaal ee xiligaa iyo sidii ay wax ahaayeen, wuxuuna yidhi “Waxaanu ciidankii SNM u qaybinay 4 aag, laakiin aagga ugu muhimsani wuxuu ahaa Berbera, waxayna ciidamada aagaa galay ahaayeen ciidamo ka kooban guutooyinkii SNM oo dhan, dad iyo hub-ba, waayo waxay ahayd ishii laga waraabinayey ciidamadii Siyaad Barre ee aanu waajahaynay, sidoo kalena Berberi waxay ahayd goob istaraatiji ah siyaasiyan iyo dhaqaale ahaan-ba”, “Marka laga yimaado dadka shicibka ah in ka badan 2000 oo mujaahid aba galay Berbera”ayuu intaa ku daray, laakiin Carab Ducaale intaa kagama hadhin sheekadiisa ku saabsan ayaamihii dagaalka SNM, sidaa darteed waxa uu xaaladdii dagaalka iyo sidii ay wax u dhaceen ka bixiyey faallo dheer.
“Ciidanka Berbera galay waxaanu ku diyaarinay oo uu ka soo dhaqaaqay meesha la yidhaahdo Daba-bahal (Galbeedka Oodweyne)”ayuu yidhi Carab, isaga oo sababta ay goobtaa u doorteen ku fasiray sababo dhawr ah oo la xidhiidha istaraatijiyad milateri ama dagaal, waxayna ciidamadii SNM gacanta ku dhigeen magaalooyinkii waaweynaa iyo goobihii muhimka ahaa bishii Jananweri 1991-kii.
Marka la faallaynayo saraakiishii milateri ee ururka SNM waxa lagu tilmaamaa inay u qaybsanaayeen ugu yaraan laba garab oo ku kala afkaar duwan qiyaadadii dagaalka, laakiin Carab taa wuu daadefeeyey, wuxuuna yidhi “Anigu waxaan leeyahay taasi may jirin, isla markaana may jirin saraakiil kala duwan ama is khilaafsani ama siyaasiyan wax isku haysay, laakiin maadaama uu halgankaasi ahaa halgan shacbi oo ay cid waliba faalladeeda ka bixinaysay ayey saraakiishu u badnaayeen cidda farta lagu fiiqayo ama faallada laga bixinayo, waayo saraakiishu waxay ahaayeen hormuudkii iyo laf-dhabartii halganka, taas darteed saraakiisha ayey ahaayeen, kuwa ay cid waliba wax ka sheegaysay naqdi iyo amaan waxa uu doono ha ahaadee, maxaa yeelay waxay ahayd maalintoodii, mase jirin wax mabdi’iya oo ay dhinaca halganka iskaga khilaafsanaayeen”. Laakiin Carab wuxuu tibaaxay in marka wax la fulinayo lagu kala aragti duwanaan karo qaabka loo marayo fulinteeda, wuxuuna yidhi “Way jirtay in lagu kala duwanaan karayey aragtida ku saabsan sida hawl galka loo fulinayo, taasina ma aha khilaaf ee waa aaraah lagu kala duwanaa oo uu nin waliba lahaa taasaa guusha lagu gaadhi karayaa iyo taasaa guusha lagu gaadhi karayaa, taatikaduna nin-ba meel bay iska tusaysaa oo sax ugu muuqanaysa, waxaana sax ah ta guusha lagu gaadho”.
Carab Ducaale waxa uu farta ku fiiqay inuu aaminsan yahay inuu garabkii milateriga ee SNM guulaystay, laakiin dhinaca ilaa hadda wax laga tebayaa u yahay dhinaca siyaasadda. “Anagu hadii aanu nahay saraakiishii milateri ee SNM, waxaanu qaabilsanayn dhinaca dagaalka, taana waanu ku guulaysanay, laakiin…” .. La soco cadadka berito qayb kale oo waraysigan ka mid ah oo uu Carab kaga hadlayo, garabkii milateri iyo garabkii siyaasadeed ee SNM, mid-ba waxaa uu ka aaminsanyahay, sababaha uu u arko inuu keenay khilaafaadkii SNM ee markii dawladda Somaliland la dhisay isu rogay gacan ka hadalka iyo aragtidiisa waqtigan xaadirka ah ee ku wajahan Somaliland iyo weliba waxyaalo kale.
|
Sanca (W. Wararka) markab laga leeyahay dalka faransiiska oo ah nooca shidaalka qaada ayaa maalintii shalay dab ku qabsaday meel u dhaw xeebta dalka Yemen, wuxuuna markabkaasi xanbaarsanaa saliid dhan 397,740 barmiil oo uu ka keenay dalka Iiraan.
Inkasta oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn sababta keentay gubashada oo ka dhalatay qarax markabka dhexdiisa ka dhacay, haddana waxaa loo malaynayaa in sababta uu qaraxani ku yimi tahay weerar loo geystay markabkaa. Hase yeeshee war ka soo baxay dawladda Yemen ayaa beeniyay inuu jiro wax weerar ah oo loo geystay markabkaa, iyagoo ku tilmaamay sababta gubashada markabkaasi inay ahayd, iyadoo ay qaraxday mid ka mid ah haamaha saliida ee ku kaydsan markabka dhexidisa, waxaana warkaa faafisay wakaalada wararka ee Yemen oo soo xigatay Wasiirka Ganacsiga iyo gaadiidka badda ee dalka Yamen, Siciid yaafici, wuxuuna Wasiirka ganacsigu meesha ka saaray inuu jiro wax weerar ah oo loo geystay markabkaa. Laakiin dawladda faransiiska ayaa rumaysan inuu qaraxaasi keenay weerar loo geystay markabka. Iyadoo uu sarkaal u hadlay safaaradda faransiisku ku leeyahay Yemen sheegay inay markabkaa duqaysay dooni yar oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa.
Masuul sare oo ka tirsan dawladda Yemen ayaa sheegay in ay weli socdaan hawlo gurmad ah oo lagu bakhtiinayo markabkaas oo wali gubanaya, isla markaana ay adagtahay sida lagu bakhtiiyaa. Iyadoo laga cabsi qabo inuu khasaare ballaadhan gaadhsiiyo deegaanka badda ee ku dhaw Yemen.
.
C/Laahi Yuusuf Oo Ku Soo Laabtay Boosaaso
L |
aas-caanood (Haatuf): Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo madax ka ah maamulka Puntland ee dhinaca Bari kala jaarka ah dalka Somaliland ayaa shalay soo baxeen warar sheegay inuu ku noqday magaalada Boosaaso.
Weriye Liibaan Maaweel Shire oo beryahanba hawl shaqo u joogay gobolka Sool ayaa ku soo waramay in warar xog-ogaal ahi ay shalay uu ku helay Col. Cabdilaahi Yuusuf Axmed uu shalay ku soo kicitimay duulimaad ka yimid magaalada Diri-Dawa e dalka Itoobiya uuna ku soo noqday magaalada Boosaaso. Weriye Liibaan Maaweel Shire wuxuu inta raaciyay in soo noqoshada C/laahi Yuusuf Axmed lagu dareemay shalay diyaaradii ka iman jirtay Diri-Dawa ee iman jirtay Laas-caanood oo shalay dib uga dhacday xiligeedu Imaatinka iyadoo ku soo horeysay Boosaaso si ay halka soo dhigto Col: Cabdilaahi Yuusuf Axmed.
C/laahi Yuusuf in muddo ah hadda waxa warkiisa lagu sheegayay inuu joogo Ingiriiska iyo Maraykanka. Dareenka ka jira Laas-caanood ayaa tuhunsan in haddii ay rumowdo soo noqoshada C/laahi Yuusuf ee Puntland saameynta uu ku yeelan karo weftiga reer Somaliland ee hadda ku sugan Gobolka Sool oo la sheegayo in is-afgarashadoodu ay hadda wanaagsan tahay.
|
Gebilay (Haatuf): Mudaaharaad ballaadhan oo ay ka qayb galeen dad aad u fara badan ayaa shalay ka dhacay degmada Gebilay kaasoo lagaga soo horjeeday dhawaaqii ka soo yeedhay Kooxda carta ee ay ku diidanayeen mawqifka ay midowga Yurub iyo Maraykanku iska taageen qaddiyadda gooni-isu taaga Somaliland iyo inaanay shirka nayroobi ka qayb galayn cid aan wakiil ka ahayn dawladda Somaliland mudaaharaadkan oo ay ka qayb qaateen dhammaan qaybaha bulshada ee ku dhaqan Gebilay ayna horkacayeen dugsiyada waxa aakhirkii la isugu yimid barxada xarunta dawladda hoose ee degmada gebilay halkaasooo laga soo jeediyay khudbada iyo suugaan kala duwan. Dadkii halka ka hadlayna waxa ka mid ahaa cuqaal waxgarad, ururada bulshada, Madaxda, iyo madax qaar ka mid ah ururada siyaasada u fadhiya Gebilay kuwaasoo dhamaantood cambaareyay Kooxda carta oo ay ku tilmaameen inay cadaw u yihiin Somaliland iyadoo ay dadweynuhu siteen boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo lagu taageerayo Somaliland kuna dhawaaqayay erayo ay xamaasadi ka muuqato.
Ugu dambayna waxa dadka halkaasi hadal uga jeediyay duqa Gebilay Xuseen X. Yuusuf Rooble oo ugu mahad celiyay dadweynaha reer Gebilay sida wadanimada leh ay usoo abaabuleen mudaaharaadka ayna uga dhiidhiyeen Kooxda carta isaga oo ku baaqay haddii ay joojin waayaan Somaliland in la iska caabiyi doono dadka reer Somaliland na ay diyaar u yihiin difaaca dalkooda.
DAREENKA DUGSIGA LIX IYO
LABAATANKA JUNE IYO DIRIRTA QARSOON
Marka laga hadlayo waxbarashadu waa isha qudha (source) ee hagta (guiding) ama aan idhaahda iftiimisa heer nololeedyada kala gedisan ee lagu garan karo qaran dhisan, waa miisaan aad u culus oo cidina aanay qiyaasi karin, waa nidaam u baahan in aad iyo aad loo ilaaliyo sida ay u ilaaliyaan Engineering s ka qorsheeya qabcadaha gurigu ka koobanyahay kuwaaso raaca had iyo jeer qorsheyaal loogu tallo gellay oo uu xusho ninka kolba guriga dhisanaya (planning and structure), waa haybad iyo sharaf ay isku dhaafeen beel weynta caalamka ha noqoto kuwa soo kacaya ee loo yaqaan dunida seddexaad " Third world" amaba waa siday mararka qaarkood ugu dhawaaqane dunida soo koraysa "growing countries" amaba kuwa aadka u horumaray ee loo yaqaan " Developed world" dunida hagta dhaqaalaha, cududa militeryga, iyo weliba bulsheed " social service" waxbarashadu waxay soo martay heerar iyo nidaamyo kala gedisan oo lahaa astaamo noocyo farabadan xambaarsan, waxay soo taxnayd oo soo jirtay kumanaan iyo kumanaan sanadood, waxaan shakhsiyan su,aal weydiiyey professors badan oo aan ka weydiiyey goortii salka loo dhigay waxbarashada "education" waxaa la iigu jawaabay aaraho kala gedisan oo midba dhinac uu jibaaxayey balse markaan u duur gelay "analayze" kuna sameeyey saadal farabadan waxaan aad iyo aad iskugu qanciyey in waxbarashada rasmiga ahi tahay tii nebigeenna suuban (S.C.W) lagu soo dejiyey oo ah kitaabka quraanka kariimka ah, waxaan odhan karaa waxay waxbarashadu hana qaaday markii uu malakul jibriil (C.S) uu nebiga ku yidhi " IQRA" oo ahayd suuradii ugu soo hordegtay quraanka kariimka ah oo macnaheedu tahay akhri, halkaasi oo ilaahay subxanahu watacalaye uu aadamahiisa u soo dejiyey kitaab sharaf mudan oo la dhamaystiray oo ay isku xukumaan, waxyaabo farabadan ayaa laga tixraacay kitaabka quraanka ah ee sharafta mudan taasi oo dunida galbeedka ee casriyaysani hadda ku dabaqeen nolol maalmeedkooda, iyada oo dadbadanise ay u haystaan in maskaxda aadamahu soo ifsaartay waxyaabo farabadan oo quraanka lagu xusay.
Aan dhinac kale ka eego dulucda maqaalkayga eh hadaan usoo noqdo dalkeena curdinka ah ee jamhuuriyadda Somaliland waxaa usoo jibaaxay wakhtiyo kala gedisan, da,yarteenuna waxaabay u farabadnaayeen muddo haatan laga joogo 20 sanadood qaar u hanaqaada lahjadahii cunsuriga ahaa ee madaxa adkaa ee shuuciyadda ee aduunka laga tirtiray dabayaaqadii qarniga, Muddo lagu qiyaaso 40 sannadood shacabka Somaliland may arag waxbarasho isku dheeli tiran oo xoriyadaysan (balanced justice freedom education), taasi waxaa u raacay dagaallo iyo colaado ka dhexay geyiga oo lagu xoraynayey dhulka hooyo, ka dib 1991, gebiba waxbarashada dalkeenu waxay isku bedeshay mid aad u kobcaysa waxaa dalka ka bilaabmay waxbarasho casriyaysan lana jaanqadaysa kuwa lagu barto daafaha horumaray ee dunida, waxaa wadanka laga furay machadyo " INSTITUTES" iyo dugsiyo kala gedisan oo qaarkood madax banaan qaarkoodna ay dawladu gacanta ku hayso ( governmental and private schools), hadaba waxaa xusuus mudan sannadii 1991 markii dalka dib loogu soo noqday ayaa waxaan ka mid ahaa ardaydii ugu horaysay ee magacooda lagu xardho (enrollment) diiwangelinta dugsiyadii ugu horeeyey ee laga furay magaalada hargeysa, iyada oo run ahaantii markaan is bar bar dhigo duruufta wakhtigaasi jirtay (circumistances) aanay suuro gal ahayn in lagu tilmaamo ama saadashuba ku dhacdo inay waxbarasho suuro gal noqon karaysay, waxay ahayd maalin ka mid ah ayaamahii sannadkii 1991 ammintu waxay ahayd abaaro 8:00 aroornimo waxaa safaf aad u gaagaban dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Bashiir ugu jiray arday u badan qaar ay waxbarashadu ka kala go,day dagaaladii, iyo qaar doonayaba in ay imika bilaaban, waxaa dugsigu waa dugsiga sheekh bashiir eh wakhtigaasi diyaar u ahaa inuu qaato seddex grade oo kala gedisan oo kala ahaa fasalada 2aad, 3aad, iyo 4aad, waxaa bediba dugsiga fasaladiisa ka buuxa dad qoysas u badna oo wakhtigaasi degena oo asal ahaan ka soo jeeday "OROMO" oo la ii sheegay in ay ahaayeen dadkii laga soo dhaadhiciyey in ay dhulka leeyahiin ee afweyne barre ugu tallo gelay inuu dhulka ku beero "racism planting" markii ay duruustu bilaabantay nooma suuro gelin inaanu kilaasyada fadhiisano duruufaha jiray awgood waxaanu geedaha waaweyn ee dugsiga hoostooda dhigan jiray daasado kuwa laga daadiyo caano NIDO ga ah, iyo weliba sabuurad nooca laga sameeyey dhegax tooshka oo inta ay ardaydu wakhtigaasi dhegaxa tooshka ee loo yaqaan "cell battery" burburiyaan khadka madow ee ku dhex jira intay qooyan sabuurad ka samayn jiray, balse taasi marnaba xaqiiqdii niyad jab kuma ay ridin ardayda reer Somaliland waxay u ahayd rayn rayn iyo tamaashad in mar uun ay helaan waxay buug iyo qalinka is dul qabtaan, waxaan akhriste waxaasi oo dhan uga gol leeyahay waxaa haatan ay waxbarashada dalku soo martay cahdigaasi durufaysna hadaba markaad dhinac kale ka eegtid ee aad bar bar dhigtid haatan halkay waxbarashadu taagantahay ee aan cidna loo sheegayn waxaan mahadeeda ilaahay ka sokow anigu si gaar ah oo aan amaan ugu hayo u siinaya waa marka hore eh MACALIMIINTA JAMHUURIYADDA SOMALILAND oo goor wal iyo mar walba u tafaxaydna siday jahli umadooda uga saari lahaayeen, oo duruufaha kala gedisan la soo maray ardaydooda ogna halka xaalkoogu marayo, waa marka labaad eh waxaan mahad balaadhan u soo jeedinaya ARDAYDA DAHABKA AH MEEL WALAY JOOGAN EE REER SOMALILAND IYO WAALIDINTOODA oo iyaguna run ahaantii muujiyey dedaal dheeraad ah iyo is xil qaan aan hubo inay mar uun midhaheeda gaadhi doonan, waxaan idinku baraarujinaya in maalinkan maanta ah cid idinka wanaagsan oo idinka nasiib badani jirin, marka aad eegtid dadka afka soomaliga ku hadla ee ku ceegagan cariga beriga africa.
Waxaa indhahayga todobaadkani aad iyo aad fajiciso ugu riday dhinacna aan qaadiba kari waayey niyad wanaag iyo jidhiidhico jidhkayga saaqday markaan arkay war lagu soo qoray websiteska ay leeyahiin bulshada qurbaha ee Somaliland oo lagu xardhay in ardayda lix iyo labaatanka june ee magaalada hargeysa oo aan ka soo mid ahaa ardayda dugsigaasi muddo afar sanadood ah ay sameeyen mudaharaad kuna soo bandhigeen ra,yigooda ka dib markii ay wasaaradda waxbarashada oo run ahaantii dadka ka shaqeeya u badanyahiin dad badankoogu qurbaha ka yimid oo aan waxbarashada dalkani ka warhayn iyo weliba qaar aan ku haboonaynba xilka loo igmaday, ay xilkii ka qaadeen maamulaha dugsiga sare ee lix iyo labaatanka June mudane CALI CABDI JACIIR, oo muddo dheer ahaa maamulahayga iina ahaa macalin meel dheer igaga yaalla oo aanan weligay iloobin iiguna jira taarikhda cad ee dahabka ah, Mudan Jaciir wuxuu ahaa aqoonyahanadii usoo jihaaday inay heerka haatan ay joogto waxbarashada dalkani marayso gaadhsiiyan, wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanadii salka u dhigay manaahijta wasaaradda waxbarashada wuxuu ku guulaystay inuu sumcadda ugu saraysa taabsiiyo Dugsiga lix iyo labaatanka June ka dib markii seddexdii wiil ee ugu sareeyey ka soo dhex baxeen dugsigiisa run ahaantii aniga iyo weliba dhalinayaro kale oo aanu wax ku wada barano mandaqadani Koonfur beri Asia waxaanu u hayna amaan aad iyo aad u balaadhan oo aan qiyaas lahayn Mudan Cali cabdi jaciir waxaananu leenahay una soo jeedinayna wasaarada waxbarashada ee Somaliland iyo maamulka Somalilandba in ay gacan qabtaan waxbarashada dalka intay ku sii jeedan nidaamka galbeedaysan ee dalka in lagu dhaqo loo tifixaydsan yahay, ogaada mudanayaal in dhalinteenu tahay beri kuwa idin bedeli lahayd ogaada mudanayaal in dimuqradiyada udub iyo ucid loo sameeyey ku lifaaqantahay kobcinta waxbarashadu, guntii iyo gebo gebadii ayaan waxaan usoo jeedinaya dhamaan da,yarta macalimiinta, siyaasiyiinta iyo ardayda iyo weliba aqoonyahanada dalka oo dhan in la taakuleeyo oo wax la taro waxbarshada dalkeena hooyo ee aan la dhaawacin "CIDINA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA"
Waxaa Diyaariyey Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba), Karachi, Pakistan.
Quruxdeedaa Sababtay Qalalaansaha Nolosheeda
|
Jaamac wuxuu ku baydhay guriga saaxiibkii Cali Suudaani, bal si ay caawa isugu raacaan xaga Najiib, laakiin markii ay kulmeen ayuu Cali Suudaani u sheegay in aanu isagu raacayn, markii Jaamac Irbad weydiiyayna sababta wuxuu Cali Suudaani uga waramay in habeen dhawayd uu joojiyay gaadhiga Najiib oo ay qof dumari saaran tahay, kadibna uu isku dayay in daaqadda furo oo uu raaco, laakiin taas uu Najiib diiday oo uu ku yidhi, “Saaxiib xaaskaygii ayaa ila socota oo aanu sheeko gaarra leenahay, markaa waa inoo mar kale.”
Cali Suudaani, wuxuu intaa ku daray in aanu si fiicana ula balamin Najiib waxaanu yidhi; “Jaamac Ballanteenu sowtii ahayd mar haddii uu ninku guursado waa ka dibadda xisbigeena ma guursatada, dee inaga daa imikay sheekadiisu noqonaysaa aroos, aqal, naag iyo arrimo aan qayilaada ku wanaagsanayn”
Jaamac oo aan la dhacsanayn jawaabta saaxiibkii Cali Suudaani, ayaa yidhi: “Waar waa sax, haddii uu guursaday, qudhaadana in aad sidaa yeesho ayaa kuu wanaagsan. Anigana ii wanaagsan, ma inuu guurku sidan ka hawl iyo kharash badan yahay ayaad moodaysaa. Waar markaasaynu magac dhaami lahay.”
Cali Suudaani oo sii jiqilaysanaya fadhigiisii qayilaadeed ee maalintaas, ayaa yidhi; “Saaxiib, anigu qaadkaan daacad u ahay, markaa buuq iyo naagtoona diyaar uma ahi, ee soo fadhiiso haddaad qayilayso, Najiib.. Najiib lahayne.”
Jaamac Irbad oo goostay inuu iskala hadh-galo saaxiibkii Cali Suudaani, ayaa sheekadii ku daray, “ Caliyow, in guurku uu wanaagsan yahay waxaan ku gartay, miyaad ninkii Najiib oo habeenkii meelahan taag-taagan beryahanba aragtay. Allaylehe arrinta Najiib fadhiisisay, waa arrin weyn ee aynu bal inaguna isku dayno.”
Cali Suudaani oo qosol raacinaya, ayaa yidhi; “Waabanad arag, isagoo ay Luul la socoto. Ha eegin, xagaa ha iga marin, su’aal badanidaa, wuxuu ereyo is raacinayo waad yaabaysaa, malaha waxbaa kuugu dhimmane, bal is arka Najiib.”
Jaamac Irbad oo gacanta u taagaya xaga Cali Suudaani oo durba intuu si fiican u taqsiimay jiqlaysta, budhbudhinayana Sigaar, ayaa yidhi; “Maanta Najiib waa reer Najiib, inaguna hebel iyo hebel ayuun baynu nahay. Saaxiib ha is maaweelin, guurku waa sharafe ee yay mijintu kuu sheekayn.”
Hoon gaadhi ayaa ku hor qabtay gurigii Cali Suudaani, isla markiibana way dareemeen in cidda guriga ku jirta lala hadlay, laakiin in ay sugaan socodka qofka gaadhiga ka soo degaya oo ay maqlayeen iyo sanqadha daaqadda ayay goosteen, waxaa u soo galay Najiib. Najiib muu ogeyn in Jaamac Irbad uu la joogo Cali Suudaani, laakiin wuxuu u socday si uu u raali geliyo saaxiibkii Cali Suudaani oo uu dareemay inuu waxoogaa khalad ah fahmay, markii ay la socotay Luul.
Cali Suudaani, ayaa markii uu u soo galay Najiib yidhi; “Cimri dheeraa, waar waa kan ninkii Najiib ee aad nagu wareerisaye, haddaba is arka.”
Najiib oo dareensan in erayada Cali Suudaani ay ku jirto waxoogaa diidmo ah oo la xidhiidha kulankoodii u dambeeyay, ayaa yidhi: “Sow kuma aqaan, waxaan gartay in aad sidaadii is martay.”
Soo fadhiiso ayay ku yidhaahdeen, laakiin Najiib siday uga barteen muu sidan qaad, waxaanu u sheegay inuu hurdo tegayo oo aanu imika laba toddobaadba aanu qayilin, wuxuuse u dhiibay Cali Suudaani waxoogaa ugu filan xoojinta baahiyahooda fadhigii galabtaa, iyagoo ku balamay Jaamac Irbad inuu Najiib soo tuso guriga cusub ee hadda uu galo Najiib.
Abiib Goohe oo Luul walaalkeeda, ayaa is tusay in aan telefoonkii uu kala hadlay aabihii aanu ku filayn, siduu u jecel yahay in aan walaashii Luul waxbarashada halkaa kaga hadhin, isagoo arrintaa ka hadlaya Abiib, Goohe qoraal warqad ah oo uu u soo diray walaashii, wuxuu tusaale u soo qaatay ereyadan, “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane ogaada… oo … dugsiyada walaalayaal.”
Abiib wuxuu tusaale u soo qaatay in aan Waxbarashada marna aan laga weynaan oo da’ aan wax lagu barani aanay jirin. Abiib wuxuu tusaalleeyay walaashii Luul in ay isku wadi karto guurka iyo waxbarashada, laakiin ereyadaa Abiib wakhtigan may ahayn kuwa gelaya dhegaha Luul oo u daadegaya qalbigeeda. Inta badan Luul, waxay ugu jawaabi jirtay “Waayahay Walaal, waan qaatay taladaadii,” haddii ay run ahaan, taladii qaadatay iyo haddii kaleba.
Najiib kalamuu kulmin dhaqan haween uu in badan sheeko ku maqali jiray ee lagu naaneyso “Araweelayn,” oo arrintii la soo qaadaba diidmo u badan, waxa uu Luul kala kulmay degenaan, raali, dabeecad wanaagsan, edeb iyo iyadoon Luul haba yaraatee wax codsiya oo ay ka dalbatay dhinaciisa inuu u keeno aaanay jirin. Najiib mar uu damcay in ay isu raacaan Dahablaha ama uu u dalbado Dahabka noocyadiisa kala duwan, waxay Luul u sheegtay in ay haysato tiro ku filan Dahab oo ayna u baahnayn, waxayse Luul ku darsatay talada qaabka aroos galka ay jeceshahay in habeenka Aqal-galka ay xidhaan labadooduba dharka hidaha u ahaa dalka iyio in halkii keega ay caano ku wadaagaan weelkii caanaha lagu lisi jiray, laguna cabi jiray iyo in ilaa toban inan iyo toban hablood oo ah asxaabta ka qayb-galaysa aroosku ay xidhaan dharkaas. Luul, codsigaa waxay ku darsatay in ay jeceshahay in Ciyaaruhuna ay noqdaan kuwa Hidaha iyo Dhaqanka oo heesahooda ay ku luuqeeyaan Hobollo caan ku ah hees-ciyaareedka Hidaha iyo Dhaqanka ah. Luul, intaa waxay raacisay in ay iyadu soo diyaarin doonto darka iyo kabaha.
Najiib aad buu uga helay soo jeedintaa Luul, waxaanay isla garteen inuu Aqal-galkoodu dhaco bil ka bacdi, habeenkaa oo ahayd 8-dii bishii August 1983 oo ku began 8/sept/1983. Habeenkaas Najiib iyo Luul, waxay soo wada mareen guriga reer Xaaji Cali Madhaafaan, waxaana ka furtay albaabka Najiib hooyadii Cawo Rabi oo hore ay Siraad Sugaal isu bartay Luul. Salaan waalidnimo ayay ku salaantay, iyadoo isticmaashay “Hooyo Cawo,” Najiib wuxuu ka helay asluubta ay Luul u qaabishay hooyadii Cawo, fadhi gaaban iyo cabitaan kadib, Cawo Rabi ayaa tidhi; “Hooyo inanta kaxee, yay xilli dambe oo habeeenna ku noqonnine.”
Luul waxay is tidhi, sii salaan habaryartaa Siraad Sugaal, laakiin laydhka oo bakhtiisnaa iyo dhaqdhaqaq la’aan awgeed ayaanay garaacin guriga.
La soco maalmaha Axadda, Isniinta, Salaasada, Arbacada iyo Jimcaha.
Arsenal Oo Dhigtay Rikoodh Cusub oo Horyaalka Ingiriiska
|
Saddexdii dhibcood ee ciyaarta loogu tartamayay ayay kooxda Arsenal meelaysatay ciyaartii ay iskaga horyimaadeen kooxda Sunderland oo 3-1 guushu ku raacday Arsenal.
guusha Arsenal, waxay xaqiiqo noqotay kadib markii 10 daqiiqadood uu ciyaaryahanka reer Nayjeeriya Kanu ugu saxeexay kooxdiisa laba gool oo xidhiidha. Qaybtii hore ee ciyaartaasi, waxay ku dhammaatay 3 gool oo ay Arsenal dhashatay iyo Sunderland oo aan iyadu waxba dhashan. Goolka saddexaad, waxaa u dhaliyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Farasiiska ah Patrick Vieira.
Kooxda Sunderland, waxa uu dhaawac ka gaadhay gool-walaha Thomas Soresen, laakiin arrintoodu intaa way ka qoto dheer tahay in muddo ahba, waxaad moodaa inuu jaheeyuhu ka lumay oo ay buuq badan iyo dhaqdhaqaaq ciyaareed oo qayru-xad ah sameeyaan.
Kooxda Arsenal oo loogu yeedho Gunners, waxay gaadheen Rikoodh aan hore ugu ool kooxaha horyaalka Ingiriiska, kadib markii sodon ciyaarood oo isku xiga aan dhinacooda dhulka la taabsiin oo aan laga adkaan.
Tababaraha Arsenal Mr. Arsene Wenger, ayaa sheegay in kooxdiisu ay ciyaartan daallanaayeen, laakiin uu u sheegay in ay mitidaan, haddii ay sidaa yeellaana ay guushu raaci doonto. Wenger, wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi: “Way dedaaleen, waananu guuleysanay.”
Ciyaartaas, waxaa kale oo uu amaanay tababaraha Arsenal Wenger ciyaartoyga difaaca dhexe ee Pascal Cygan oo beddelay Martin Keown oo u fadhiistay dhaawac gaadhay awgii.
Ashley Cole oo difaaca uga ciyaara Arsenal, ayaa isna ciyaarta kadib sheegay oo yidhi; “Qorshihii aanu ku ciyaareynay, wuu guulaystay, waxay ahayd in aan bilowgaba hujuuno goolalna ka dhalino, sidii ayayna u dhacday.”
Ashley oo hadalkiisa sii wataa, wuxuu yidhi; “Mid waloo anaga naga midi wuu isku kalsoon yahay, waxaanu higsan karnaa in aan sii haysano Horyaalnimada sannadkan.”
Maamulaha kooxda Sunderland Peter Reid, ayaa isagu ka cadhooday sida aanay kooxdiisu ugu dhaqmin tilmaantii uu siiyay in ay ku ciyaaraan bilowgii ciyaarta, ciyaar uu ninba nin si adag u raaco oo uu u ilaaliyo.
Kooxda Sunderland, labadii ciyaarood ee tan ka horeeyay waxay ka adkaatay kooxaha Aston Villa iyo Cambridge.
Filippo Inzaghi oo sii wada-goolashii uu u dhallinayay kooxdiisa AC Milan
M |
ilan (Serie A) – Kooxdii ugu dambeysay ee uu guul-daro bado weeraryahanka Filippo Inzaghi, waxay noqotay kooxda Torino ciyaartii dhexmartay kooxdiisa AC Milan.
Inzaghi 6 gool ayuu dhaliyay ciyaarihii kooxdiisa ee kooxaha heerka koowaad (Serie A) ee dalka Talyaaniga, halka u sagaal gool ka dhaliyay ciyaaraha kale ee Horyaalka Yurub (Champion League) ciyaaraha xilli-ciyaareedkan.
Ciyaartan ay kooxdiisu la yeelatay Torino ee shalay dhacday kadib, wuxuu isagoo faraxsan yidhi Filippo Inzaghi; “Wakhti indho-sarcaada ayaa socday, inuu dhammaado may ahayn. Run ahaantii wuu u farxad geliyay, waxaan doonayay in aan ka sii mabsuudo.”
Dabaaldega uu guusha uu u keenay Inzaghi u dabaaldegay kooxdiisa shalay, dhinac waxaa jiray shaki ah, isag oo ay lugi xanuunnaysay oo warka sheega in Inzaghi uu ciyaartii shalay fadhiyo Maqalkiisa ay aadu diirsan lahaayeen Torino.
Dhinaca kale, saddexda ee uu dhaliyay oo ka mid ah lixda gool ee ay guushu ku raacday kooxda AC Milan, waxa kale oo uu Inzaghi sababay in rigoore uu u keenay kooxdiisa khalad laga galay awgii.
Qaybtii hore ee ciyaarta AC Milan iyo Torino, waxay ku dhammaatay 3-0, laakiin qaybtii dambe ee ciyaarta kooxda Torino difaaceeda ayaa qayb ka ahaa in AC Milan ay dhaliyaan saddex gool oo dambe ciyaartiina ku dhammaato 6- 0.
Kooxda Torino, liiska kala-horeynta kooxaha heerka koowaad ee Talyaaniga (Serie A) kaga jirtaa halka ugu hooseysaa, wax dhibco ahna ma leh, ciyaartii shalayna waxay ciyaarta iska lumiyeen laba daqiiqadood kadib, markii ciyaarta laga saaray ciyaartoygooda Christiano Lucarelli oo galay khalad Ciyaareed iyo Af-xumo.
Laba Gool Oo Totti U Dhaliyay AC Roma Oo Dib U Soo Nooleeyay Rajadoodii
Dhinaca kale, laba gool oo uu dhaliyay kabtanka kooxda Roma, Francesco Totti, ayaa ka caawiyay in ay Guushu ku raacdo maalintii sabtida ee shalay kooxda Roma 4 gool iyo kooxda Udinese oo iyadu gool keliya ciyaartaas dhashatay.
Totti oo toddobaadkii hore diray Kooxda Brescia, ayaa laba gool isku xigsiiyay sagaal daqiiqadood gudahood, kuwaas oo ku xaqiijiyay guushii saddexaad ee ay soo hoyso kooxda Roma, toddobaad gudihii.
Kooxda AC Roma, guuldarooyin ayay la kulantay 2 ciyaarood ee ugu horeysay kulamada xilli-ciyaareedka sannadkan ee Serie A gudihiisa, wax guulana kamay soo hoyn wixii ka horeeyay Arbacadii dhawayd ciyaaraha horyaalada Yurub..
Natiijooyinkii kale ee ciyaarihii shalay dhacay, waxay ahaayeen sidan:
Hay’adda SCF Maxay U Qabataa Togdheer
Hayadda SCF waxay gobolka timi dabayaaqadii 1998-kii, waxayna xiligaa sheegtay inay la shaqayn doonto wasaaradda waxbarashada togdheer, taas oo ay tilmaantay inay ka caawin doonto dhismayaasha iskuulada, siminaaro ay siin doonto macalimiinta iyo inay gunno siin doonto shaqaalaha waxbarashada. Laakiin, waxay iswaydiintu tahay maxay qabatay?
Waxaan odhan karaa hayadda SCF arimaha aynu kor ku soo sheegnay ee ay hay’adda SCF ballanqaaday inay qabanayso waxba kama ay qaban, marka laga reebo hal xafiis oo ay ku kordhisay xarunta wasaaradda waxbarashada ee gobolka iyo tuulooyin aan badnayn oo ay ka dhistay fasalo, sidoo kalena waxay macalimiinta qaarkood siisaa waxyar oo gunno ah oo aan joogta ahayn, maalin walbana hoos u sii dhaca.
Dadka reer Burco way saddex laabmeen tan iyo intii dib looga soo laabtay qaxii 1988-kii, taasina waxay kordhisay baahidii waxbarasho. Iyadoo ay dugsiyadii magaalada ilaa hadda qaar dunsan yihiin, qaarna ay meeshaba ka baxeen, welina lama arag hayad tidhaahda anigu waxaan wax ka qabanayaa dhinaca waxbarashada, xataa inay dhisto hal dugsi ama ay dayactirto, hayad walibana inta ay afar baabuur oo qaali ah kiraysato, xafiisna boodh weyn ku dhejisato ayey marba dhinac baabuurta u eridaa.
Hadaba waxa iswaydiin leh hay’adda SCF maxay u fulin wayday ballan-qaadyadeedii ahaa dhismayaal dugsiyo, siminaaro xagga waxbarashada ah IWM.
Mar ay waalidiinta qaarkood waydiisteen inay Dugsiyada dayr ku wareejiyaan si ay uga badbaadaan dhul-boobka wayba la yaabeen hadalkii waalidiinta. Iyadoo la filayey in marka ay gobolka wax la taaban karo u qabtaan inay u gud-baan degmooyinka iyo tuulooyinka, taas oo iyadoo ay magaalada dhex-buuxaan da’ yar waxbarasho la’aan u dayacani inay tuulooyin cidla ah lancruisero qurux badan ugu tamashle tagaan. Si kastaba ha ahaatee waxaan aaminsanahay inay hay’adda SCF waxbarashada iskaga gudubtay hayadihii samafal ee kale ee wax ka qaban lahaa, sidaa darteed waxaan kula talin lahaa inay wax ka qabato baahida waxbarashada, isla markaana ay fuliso ballanqaadyadii ay hore u sheegtay, hadii kale ay gobolka iskaga baxdo.
Cagaweynow afkaa banaan wax haw mucaaradine wax u meel-day
Waxaan odhan karaa waa dimoqraadiyad ay Somaliland gaadhay inay dadweynuhu si madax banaan ra’yigooda u soo jeediyaan, iyaga oo ku soo bandhigaya saxaafadda xorta ah ee dalka ka jirta. Run ahaantii taasi waa arin faa’iido u leh dawladda iyo dadweynaha labadaba, taas oo ay qolo waliba qolada ogaanayso aaraahdeeda. Hase yeeshee Illaahay ma simin dadkiisa dhinaca garaadka iyo aqoontu, sidoo kale waxa dhici karta inay dad meel ku wada nooli kala aaminsan yihiin mabaadi’ iyo afkaaro kala duwan, taasina ay keento inay ku kala mawaaqif duwanaadaan arimaha dalkooda ama degaankooda ka jira. Laakiin waxaan, iyadu kala duwanayn oo isku si loo wada ogyahay wixii diiwaanka taariikhda ku qorran, kuwaas oo u baahan inaan been laga sheegin. Laakiin qofku waxa uu sidan oo kale samayn karaa ama runta taariikhda ka weecan karaa marka ay waxa uu ka hadlayo ay aqoon la’aani ka hayso iyo hadii uu yahay qof u badheedhaya inuu qaladka uu doono sameeyo. Sidaa darteed waxa loo baahan yahay inay suxufiyiinta wax qoraysa ama wax baahinaysaa iska miisaamaan ama iska hubiyaan qoraalka uu qofka akhrista ahi u soo gudbiyo, taas oo loo baahan yahay inaanay daabicin ama baahin hadii aanay waafaqsanayn waaqica iyo runta ama ay cid xad-gudub ku tahay. Laakiin hadii aan u leexdo ujeedada maqaalkaygan waxaan doonayaa inaan ka jawaabo maqaal ku soo baxay wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay Oktoobar 2, 2002, ciwaankiisuna ahaa “Abaalkooda taariikhdaa qori doonta” oo uu qoray nin magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cilmi Tarabi (Cagaweyne).
Hadaba aniga oo ka duulaya sooyaalka taariikheed ee ururka SNM iyo aniga oo ka war haya dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ururka KULMIYE, waxaan u arkaa Cagaweynow inuu maqaalkaagu ahaa mid ku salaysan afkaar weecsan, laakiin ma kala garanayo inay aqoon la’aani kaa hayso waxa aad ka hadashay iyo inaad u badheedhay inaad sidaa wax u arbushto. Waxaase la yidhi ilaahow Haa iyo Maya meel hanagaga wada yeedhsiinin, markaa saaxiib intaad qirtay halgankii SNM ayaad haddana qarisay waayo waxaad ku naanaystay qabyaalad, laakiin waxa uu ahaa urur dalka u soo halgamay oo taariikh leh, isla markaana waxa uu ahaa urur ka fog waxa aad ku sifaysay, taana waxa u markhaati ah magaciisa oo ah (Somali National Movement) iyo qaabkii dhismeedkiisii iyo weliba sidii u u dhaqmay markii uu Somaliland qabsaday ee meesha laga saaray taliskii Siyaad Barre, waqtigaas oo u horsed ka noqday nabadaynta iyo walaalaynta beelaha reer Somaliland ee wada dhashay, laakiin ay colaadda sokeeye dhexmartay, taas oo uu midhaheedii noqday inay maanta ku wada noolaadaan nabad iyo dimoqraadiyad xalaal ah.
Cagaweynow waxaad maqaalkaaga ku tidhi “Siilaanyo waxa uu wax ku beerlaxowsanayaa halgankii SNM” waxa kale oo aad qabyaalad ku tilmaantay khudbadii uu gudoomiyaha KULMIYE ka jeediyey Gebilay, laakiin saaxiib waa la hayaa khudbadiisii, mana jirto meel uu qabyaalad kaga hadlay, Siilaanyona dadkii dhegaysanayey waxa uu xusuusinayey taariikhdii halganka iyo waayihii la soo maray, taasina ma aha saaxiib qabyaalad ee waxaan u arkaa taariikh ay tahay inaan la qarin ee lagu faano.
Ugu dambayn waxaan saaxiib kugula talin lahaa afka uun wax haka mucaaradine wax u meel-day.
Xasan Axmed Yuusuf, Hargeysa
Daba-Galka Iyo Maagga Ganacsade C/Raxmaan Boore Muxuu Daarran Yahay?
Aniga oo tixraacaya war uu qoray wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii soo baxay Oktoobar 4, 2002, ayaan jecelahay inaan jawaab ka bixiyo wixii laga sheegay ganacsade C/raxmaan Boore. Sidaa darteed waxaan marka hore leeyahay C/raxmaan Boore, inkasta oo uu hadda ku nool Jabuuri, hadana waa nin asalkiisu ka soo jeedo Somaliland, geeliisuna daaqo Saylac ilaa Ceel-gaal, iyadoo ay marka horeba dadka labada dal (Somaliland & Jabuuti) yihiin dad walaalo ah oo wada dhashay .
Ganacsadahaasi dalka ma keeno sigaar ama badeecad kale oo aan sharciyeysnayn ama aan cashuurnayn, wuxuuna ganacsiga sigaarkiisa gaadhsiiyaa afrikada bari oo dhan. Sidaa darteed ma garanayo sabab loo daba galo ganacsade C/raxmaan Boore, miyaanu la mid ahayn ganacsatada kale ee hadii reer Jabuutinimo lagu eryanayo, iyaguba meel kula nool, hadana labada dal-ba ka ganacsada.
Hadaba dabagalka ay wargeysyada qaarkood ku hayaan ganacsadahaa maanu garran, laakiin guud ahaan dabagalka iyo maagga aan sababta lahayn ee lagu hayo ganacsadahaa waa arin taabanaysa dadka Awdal iyo Saylac. Aniga oo aaminsan dhibaatadii hore ee keentay sababtii lagu gubayn sigaarkiisii inay hurisay dabagal lagu sameeyey, gaar ahaan ay ku sameeyeen wargeysyada qaarkood. Sidaa awgeed dabagalka iyo maagga aan sababta lahayn ee lagu hayo aad baanu uga xun-nahay, waxaanuna u aragnaa in si gaar ah la isaga maagayo.
Maxamed C/laahi Bookh, Hargeysa