Haatuf News
Issue: 177________________________________ October , 2002
Madaxweyne Rayaale oo ku biirista Somaliland ee Barwaaqo Sooranka kala hadlay hawl-wadeen ka tirsan Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska
|
Hargeysa (Haatuf): Dr. Patrick Gilkes oo ka socda Xafiiska Hawlaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka Ingiriiska, ayaa shalay booqday Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.
War-saxaafadeed ka soo baxay shalay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale, ayaa sheegay inuu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu qaabilay Dr. Patrick Gilkes. Warkaasi wuxuu intaa ku daray Dr. Patrick Gilkes oo ka wareystay Madaxweynaha siduu u arko shirka Nayroobi iyo Marxalada hadda ay Somaliland marayso, sida arrimaha doorashooyinka ee soo socda. Madaxweyne Rayaale, wuxuu u sheegay Patrick Gilkes in haddii xataa kaalmo shisheeye aanay Somaliland helin ay ka go’an tahay dhaqan-gelinta doorashooyinka oo ay ugu horreeyaan kuwa dawladaha hoose oo horeba ay Somaliland arrimo badani u suurto-galeen oo ay isku tashatay.
Madaxweyne Rayaale, wuxuu shirka Nayroobi ku tilmaamay mid aan waxba ka duwanayn kuwii ka horeeyay oo aan weli la marin jidkii ay dadkaa wax ugu suuro-geli lahaayeen. Arrintan oo Madaxweynaha iyo Patrick Gilkes ay isku aragti ka noqdeen, iyadoo la xusay in habka ay wax ugu suuro-geli lahaayeen in ay tahay marinkii ay Somaliland martay oo ahaa in hoos lagaga soo bilaabo hawl-galka nabadaynta iyaga gudahooda arrinta ay ka tashadaan.
“Haddii cidi wax la furdaaminayso, anagoo ictiraafkayaga hela, ayaa cid walba uga aqoon roon xal u helida mushkiladdan 12 sannadood geed sare waabka lagu wado.” Ereyadaasi waxay ahaayeen jawaabtii uu Madaxweyne Rayaale ka bixiyay xal u helida arrinta Soomaaliya, isagoo la Dr. Patrick Gilkes oo uu ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweyne Rayaale, waxaa kale oo uu kala hadlay hawl-wadeenka ka socday barwaaqo sooranka Ingiriiska ka mid noqoshada Somaliland ee Barwaaqo sooranka (Common Wealth) iyo aqoonsiga dawladnimo ee Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Siciid Gees, ayaa shalay ka qayb-galay kulanka Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale iyo Dr. Pactrick Gilkes.
Dr. Pactrick Gilkes, ilaa dhawr jeer ayuu booqasho ku yimid Somaliland tan iyo 1993-kii, Shan sannadoodna wuxuu madax ka ahaa laanta Afsoomaaliga ee idaacadda BBC-da. Hadda wuxuu hore u soo maray safarkiisan Patrick Gilkes dalalka Kiiniya, Itoobiya iyo Djabuuti. Dr. Patrick hadda waa khabiir kala taliya arrimaha Geeska Afrika, xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka ee Ingiriiska, isaga, David Shinn oo Maraykan ah iyo Matt Bryden waxay caan ku yahay xaqaa’iq ka sheega qadiyadda Somaliland.
Quruxdeedaa Sababtay Qalalaasaha Nolosheeda
|
Goohe Guuleed oo aan iman ayay Najiib iyo Luul ka dhaqaaqeen gurigii reer Goohe. Habeenkaas Najiib iyo Luul, waxay ahayd markii ugu horeysay ee ay si wada-jir ah hawl u wada qabtaan, waxaanay wada-gureen sawiradii fareemka ku jiray ee ay Luul soo iibisay, iyagoo dhigay guriga ay ku aqal-geli doonaan ee hadda uu Najiib keligii galo.
“Sida Jaawe geeloo jiilaal jeel,
jiro iyo xannuun qaba,
xalay jalala’aygii jaarkaa ku toosoo
Ka jiifi waayee, adiguna ma joogtide, ma waxaad isoo jirin markaan iilka jiifsado ee jahada la ii dhigo”
Dhawaaqaa heesta, ayaa ku soo dhacay dhegaha Luul oo fadhida makhsinka fadhiga ee gurigeeda mustaqbalka ay ku noolaan doonto, laakiin heesta waxaa joojiyay gacanta Najiib oo dhinaca kale u rogay cajaladii rikoodhka ee ay heestaasi ka baxaysay. Dhinacii kale ee cajalada, ayaa iyana waxaa ka soo baxay ereyadan;
“Hadhow bay odhan, layma heesin, la ilama hadal, doob hurdaay helay, hoobeeyooy soo hor caashaqa, yuu habaabine”
dhawaaqa heestan oo aad moodeyso in ay kulmisay indhaha Luul iyo Najiib, waxayse labaduba ku mashquuleen sawiro ku jiray dhawr Albam oo yaallay miiska u dhexeeya kuraasida uu midba dhinac ka soo fadhiyo, waa hebel, heblaayo iyo halkaasay ahayd ayuu Najiib ugu fasirayay marka ay Luul kolba bog rogto buugga sawir kaydiyaha ah ee loo yaqaan Album. Luul ayaa weydiisay Najiib, sawir ka mid ah muuqaalada ku jiray Albamka ay daawanaysay oo uu Najiib la sawiran yahay qof dumara, aadna ay isugu dhinac jiraan, gacmahana ay isu dhaafsan yihiin oo uu dhexda haysto qofka la sawiran. Laakiin, sawirku waa muddo hore oo u muuqata markii Najiib madaxa la galay da’da dhallinyaranimo, sawirkaa wax badan kama duwanna sida ay markaa u wada fadhiyeen Luul iyo Najiib. Dhinaca kalena, waxaa jira in qofka dumara ee sawirka kula jira Najiib aanay ahayn xaaskiisii, laakiin Luul haddii ay guri u gaara wada fadhiyaan, fadhigoodu ma leh ceeb, waayo waa qoys wada-fadhiya. Najiib ayaa ugu jawaabay; “Inanta waxaa la odhan jiray Caasha Sheerii, markaa sawirkuna waa hore ayuu ahaa, hadda waa islaan carruur waaweyn Hooyo u ah, waxaa la igu yidhi, waxay deggan tahay dalka Holland.”
Luul may sii wadin su’aalihii ku saabsanaa sawirkaa, laakiin waxay weydiisay oo tidhi: “Najiib, ma inanta aabaheed ayaa la odhan jiray Sheerii.”
Najiib oo isku dayaya inuu bixiyo jawaab, ayaa yidhi: “Maya, iyada ayaa asxaabta ku odhan jirtay Sheerii oo la igu yidhi waa kelmad Faransiisa oo uu macnaheedu yahay Gacaliye ama xabiibi.”
Luul, ayaa qosol si qurux badan ay laabta uga qososhay cabaar waday kadibna ku yara nasatay ereyadan: “Oo ma dadkoo dhan ayay sidaa ku odhan jirtay, mise dad gaara.”
Najiib oo aan u baran in ay Luul sidaa wax u sii qodqodo, ayaa yidhi isagoo waxoogaa kaftana ku daraya, “Horta aniga way igu odhan jirtay, dhowr dhallinyaro ah oo kale oo aanu asxaab ahayna way ku odhan jirtay, laakiin waxay aniga ila ahayd gabadh bulsho wad leh oo furfuran,” laakiin anigu kelmadaa adiga mooyee cid kale u malaymaayo in aan ku idhi xabiibi, ayuu raaciyay isagoo muujinaya sida ay ugu dheer tahay Luul, waxaad moodaysay in Luul qudheedu ay hoos ahaan u leedahay; “Hortaa Najiibow ma aqoon haybsiga jacayl, haatanse hadalkii maalintii hadyadu ku xigtay, Qoraansigii qayilaadii Mooge, quruxdii meherkii, mushaaxii muxubadii jacaylka ee maalmihii ka dambeeyay.”
Badii jacaylka ee ay ka wada dabaalanayeen Luul iyo Najiib habeenkaa, ayuu hirkii siduu waday mar dambe Najiib ku hanbaabaray in ay waxyar dhaaftay xilligii uu sii kaxayn jiray Luul.
Qaabka iyo sidaa uu caadada ahayd ayay ku kala hoyden Luul iyo Najiib isagoo mid walba labadooda uu dhinaciisa ka jeclaan lahaa haddii ay suurto-gal tahay in ay saacaddo kale sii wada joogaan, inkasta oo uu Najiib isagu bilaabay daandaasigii barasho ee u xuubsiibtay jacayl, haddana maanta Luul qudheeda waxaa haya xubi jacayl oo aan ka hoosayn ka haya Najiib, haddii aanu kaba sii fogeyn. Laakiin, Najiib wanaag xilligan labadooduba waa u daacad jacaylka ka dhexeeya, taas ayaana keentay inuu noqdo jacay dheelitiran oo hadda dheeli ka muuqan oo haysta dhabihii uu macaanaynayay dhadhankiisa dhammaan inta uu ka dhexeeyo waa Najiib iyo Luul.
Quman Sugaal, waxay dareentay in isbedel jiro oo ay laga maarmaan tahay in wakhtiga loo qabtay guri-galka Luul aanu ka dambayn wakhtiga ay hore ugu sheegtay Luul, quman arritnaa waxay ku yara taabatay Siraad Sugaal. Siraad ayaa iyana u gudbisay Cawo Rabi, sidaa ayay arrintii ku gaadhay Najiib qudhiisa, isbedelka ku yimid Luul, wuxuu ahaa in ay u sheegtay hooyadeed in ay yar xannuunsanayso, sidaas daraadeed in dhakhtar ay u baahan tahay, laakiin quman waxay garatay in astaamaha xannuunka ee ay u sheegtay Luul uu yahay xannuun dumar, caadi u ah haweenka la qabo oo ay Luul uur leedahay, si dadban ayay Quman ugu tidhi; “Luul, Hooyo, sidii hore ma tihid ee bal naso, dawo iyo wax kale toona uma baahnid”….
La soco maalmaha Axadda, Isniinta, Salaasada, Arbacada iyo Jimcaha.
Xisbiga Xukuma Kiiniya Ee KANU oo dib u dhigay magacaabista musharaxa jagada Madaxweyne-nimada
|
Nairobi, Kenya (Subsaharaninfomer): Xoghayaha Guud ee xisbiga KANU ee haya talada dalka Kiiniya, Mr. Raila, ayaa horaantii toddobaadkan ku dhawaaqay in dib uu xisbigiisu u dhigay magacaabista musharaxa jagada Madaxweyne-nimada ugu tartamaya xisbigooda.
Mr. Raila, wuxuu sheegay in doorashada musharaxa KANU ee jagada Madaxweyne-nimada la magacaabi doono 12 bishan October. Mr. Raila, wuxuu hadalkan ku dhawaaqay isagoo jooga xarunta ururka KANU oo loo soo gudbinayo magacyada xubnaha ka qayb-gelaya shirka xibsiga KANU.
Magacaabista musharaxa jagada ee xisbiga oo markii hore ay ahayd in la magacaabo 8dii bishan October, wuxuu Raila Odinga dib-u-dhigista uu ku dhawaaqay uu sabab uga dhigay inuu hirgalo marka hore musharixiinta xisbigas ee xafiisyada degmooyinka iyo gobollada inta aan loo gudbin musharixiin heer Qaran ah.
Kulanka wufuudda shirka guud ee Kanu uga furmaya xaruntooda, ayaa la filayaa inuu isu bedelo marka dambe golaha lagaga dhawaaqayo musharaxa jagada Madaxweyne-nimada ugu tartamaya xisbiga Kanu.
Xubno ka mid ah xisbiga Kanu, ayaa sheegay haddii uu Kanu ku guuldareysto inuu doorto musharax shirkan in ay iyagu ka bixi doonaan oo ay samaysanayaan xisbi kale oo iyaga u gaara.
Wasiiro xilal haya oo ka tirsan xisbiga Kanu, ayaa ka qayb-gelaya shirka KANU, waxaana ka mid ah; Sharrif Nasir, William Ruti, Wasiir K/xigeenka Yuusuf Haji iyo Peter Kuguru.
Gudoomiyaha Fifa Blatter Oo Diiday In Tiknoolajiyada Vedeo-ga Loo Adeegsado Garsoorka
L |
ondon - Madaxa Fifa ayaa muujiyay inaanu xiiso siinayn Tiknoolajiyada horumarsan ee duubista cajaladaha fiidiyowga oo ay isticmaalaan garsoorayaasha ciyaaruhu marka ay dhexdhexaadinayaan kooxaha kubbadda cagta.
Iskhilaafkii go’aanada garsoorka ee koobkii adduunka ee sanadkan, ayaa ka mid ah waxyaabaha miiska soo dhigay in cajaladaha lla duubo, ciyaarta socota ee dib loo daawado lagu bayaamiyo dhacdooyinka ciyaarta oo ay garsoorayaashuna isticmaalaan.
Xidhiidhka kubbadda kolleyga ee Maraykanka (American Basketball Association) ayaa sanadkan go’aansaday in cajaladaha Vedeo-gu noqdaan garsoorka adeegsanaya, iyadoo horeba uu Maraykanku ugu isticmaalay arrintan ciyaaraha kubada cagta, Rugby iyo Cricket-ka.
Fifa waxay todobaadkan ogolaatay in si tijaabo ah loogu sameeyo goolasha xaggooda dambe duubista cajaladaha iyadoo ay qabanayaan shaqaale u gaar ah.
“Inta aan anigu ahay Gudoomiyaha Fifa waan diiday in ay garsoorayaasha waxyaabo sanaaci, ah, ciyaaraha ay maamulayso Fifa”
Sidaas waxa dhowr jeer uu ka hadlayay munaasibada kala duwan ka hadlayay ku sheegay Gudoomiyaha Fifa Sepp Blatter. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa kale uu yidhi “waa in aynu ku kalsoonaanaa dadka, dadkuna khalad wuu ka dhaca”
Koobkii ugu dambeeyay ee adduunka ee sanadkan lagu qabtay si wadajir ah dalalka Jabaan iyo Korea. Ayaa loogu magac daray wareegii ciyaaraha ee tiknoolajiyada sababtuna waxay ahayd malaayiin dada ayaa iskugu umray koox koox iyagoo daawanayay TV-yada iyadoo ay muuqatay xiiso isku mida oo ay dadku u hayeen daawashada ciyaaraha, dadka ku nool Korea, oo ah dad ku daawada Tv-ga barxadaha, wadooyinka hoostooda iyo baabuurta dhexdooda.
Bahweynta ciyaaraha ee u heelan daawashadooda ayaa noqday kuwo feejigan oo cadayno ka bixiya dhacdooyinka ciyaaraha marka ay ka dacweynayaan Tv-yada.
Micheal Platini (Diiga reer Farans), oo fikirkiisa ka dhiibtay in garsoorayaasha ciyaaruhu ay adeegsadaan cajaladaha ayaa yidhi “dib u daawashada cajaladaha fiidyowgu ma aha xal” Platini wuxuu sidaa ku dooday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee ciyaarihii adduunka ee sanadkan 2002, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu ku dooday Platini “haddii aynu bilawno in ay garsoorayaashu cajaladaha fiidyowga u adeegsadaan bal in kubaddu ay xariiqa ka baxday iyo inkale, waxay u isticmaali doonaan, gefefka dhaca ciyaarta off side-ka, rigoorayaasha, waana arrin aan suurta gal ahayn”
Kaltan Soo Jeed Ha Loo Sameeyo Farmasiiyada Hargeysa
Dhibaatada ka jirta Ganacsiga farmasiiyada Hargeysa ayaa ah mid aanay ku jirin naxariis iyo bina-aadminimo toona anigoo ah Axmed cumar waxaa habeenkii oo ay bishu ahayd 2/10/02, oo ah habeenimadii ay khamiistu soo galaysay waxa si kadiso ah nooga xanuunsaday inan aanu ilmaadeer nahay oo si kadis ah naqasku u qabtay. Waxaanay saacaddu ahayd 12:30 habeenimo waxaanu keenay Cusbitaalka guud kaas oo aanu ugu tagnay laba dhakhtar, inankiina si fiican noogu eegay, talo fiicana na siiyay, oo na raali galisay, noona qoray dawooyin ay yidhaahdeen siiya isagana qaada oo celiya, anagoo aad iyo aad ugu raali noqonay hawsha fiican ee heeganka iyo hawsha fiican ee ay noo qabteen. Waanu soo dhaqaaqnay waxaanu doonay meel aanu dawooyinka ka iibsano. Waxaanu ka bilownay inta ugu dhaw farmasiiyada ugu xiga dhakhtarka waxaanu waynay farmasi naga fura nagana iibiya dawooyin waxaa dhibaato nagu noqotay in xaafadaha shanta waaxood ee ay Hargeysa ka koobantahay aanu ku wareegnay, waxaa nasiib darro ah in naf kasta oo saqda dhexe la qabtaa aanay dawo ka helayn dukaamada lagu ganacsaado ee aanay ka duwanayn bakhaarada maalin waynta loo baahdo. Waxaa xusid mudan kaalmaha shidaalka oo saacad kasta ka furan Haddaba waxyaabaha nolosha aadamaha kow ka ah ayuu caafimaadku ku jiraa iyo qoladan farmasiiyadu noqdeen qaar maalintiina lacagtadadka ka urursada oo aan ogayn in dadkan lacagta maalinta laga ururiyay ay habeenkii xanuunsan karaan.
Intaa ka dib waxaan leeyahay, ma waxaad garan weydeen waxa ay garteen kaalmaha shidaalka iibiyaa ma waxaad garan weydeen hadddaad xidhaan ka fura uun dadka habeenkii ilaahay xanuunka ku keeno. waxaan idinkula talin lahaa qolyahiinan haysta dukaamada dawooyinka lagu iibiyo ama dawladda la kaashada ama garashadiina isku xilqaama oo haddii aanla soo wada jeedi karayn samaysta kaltan ama fursad oo habeenba farmasi magaalada ha u soo jeedo kaasoo aad idaacadda ka sheegtaan caawa waxa shaqada u leh, farmasiga hebel xaafad heblaayo ku yaal ayaa soo jeedaya oo caawa shaqaynaya. Haddii kale oo taasi dhici-waydo, waxaa iman karta in la yidhaa Wasaaradda caafimaadku xal haka gaadho.
Axmed Cumar C/laahi Hargeysa
Hayada African Education Trust oo soo saaraysa Warside loogu talo galay Waxbarashada dadban
H |
argeysa (Haatuf): Xabiiba Axmed Xaaji oo ah ku simaha maamulka Hayada African Education Trust xafiiskeeda Hargeysa ayaa shalay uga warantay Wargeyska Haatuf kulan shaqeed (Workshop) ay ka soo qayb galeen Wasiiro xubno sare sare oo ka tirsan xafiiska African Education Trust ee London iyo 33 xubnood oo ka socday hayadaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo dadweynaha kulankaas oo lagu qabtay xafiiska hayadaas ee Hargeysa waxa lagaga hadlayay soo saarista warside loogu talo galay waxbarashada iyo akhriska dadka waaweyn ee ay Waxbarashada ka caawiso hayada African Education Trust. Warkani wuxuu intaa ku daray in barnaamijkan loogu talo galay warside uu qoraalkiisu yahay mid ku habaysan kor u qaadida akhriska ee dadka ku nool Somaliland oo ay akhrisan doonaan kuna soo bandhigi doonaan aragtiyahooda Dr Micheal Brophy oo ah agaasimaha hayada African Education Trust, xafiiskeeda London ayaa u sheegay Haatuf inuu hore uga soo shaqeeyay barnaamijyo waxbarasho oo la mida kan ay hadda hayadaasi doonayso inay ka hirgaliso Somaliland. Dr- Micheal wuxuu sheegay in laba qaab uu yahay hawlgalkoodu oo uu isagu ka qayb qaadanayo sida loo soo saari lahaa warside waxbarasho dadban ah oo gaadha dhammaan Somaliland oo dhan qaabka labaad waxaa ka hawlgaysa Professor Sali Torlinson oo ka shaqeynaysa barnaaij waxbarasho oo ay, dadka xubnaha qaarkood ka naafada ah, ay kaga qayb qaadan karaan Waxbarashada laga baahiyo BBC-da.
Workshopkaa lagu qabtay xarunta hayada AET waxaa furtay Wasiirka arrimaha qoyska iyo horumarinta Drs- Edna Aden Ismaaciil, ka hor hadalka ay marwo Edna jeedisay, waxaa warbixinta iyo ujeedada kulankaas ka warbixisay Xabiiba Axmed Xaaji, oo ah sii hayaha maamulka Xafiiska hayada AET ee Hargeysa.
Qaar ka Mid Ah Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho oo Qaadacay Shirka Nairobi
M |
uqdisho (BBC) qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inaanay ka qayb galayn shirka nabadaynta Soomaaliya ee la qorsheeyay inuu bishan 15keeda ka dhaco dalka Kiiniya.
Hogaamiye kooxeedyadan oo kala ah Maxamed Qanyare Afraax, Cismaan Caato, Mawliid Macaane, Cumar Finish, iyo qaar kale waxay sidaa kaga dhawaaqeen shirjaraa’id oo ay maalintii shalay ku qabteen xarunta Cismaan Caato iyaga oo intaa ku daray inuu go’aankoodani ka dambeeyay shir degdeg ah oo ay kaga wada hadleen qaabka ay u socoto qabanqaabadiisu kaasoo ay u arkeen in aanay u socon qaab haboon taasoo meel ka dhac ku tahay hogaamiyayaasha siyaasada taasina ay shirka ka dhigtay mid dariiq khaldan ku socda sidaa darteed ayay yidhaahdeen waxaanu, go’aansanay in aanaan shirka ka qayb galin ilaa laga saxayo qaabka qaban qaabadiisa, iyo sida loo qaybiyay ka qayb galayaashiisa.
Go’aankan ay soo saareen hogaamiye kooxeedyadaasi waxa uu dhirbaaxo ku yahay shirkaasi oo awalba dhutinaysay
Weerar lagu Qaaday Ciidamo Maraykan ah oo Tababar Ku Qaadanayay Dalka Kuwait
K |
uwait (W. Wararka): Laba askari oo maraykan ah ayaa ku dhintay mid kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii dablay hubaysani ay maalintii shalay weerar ku qaaday ciidamo maraykan ah oo tababar ku qaadanayay jasiirada Filka oo 20km dhinaca bari ka xigta caasimada dalka Kuwait ee Kuwait.
War kasoo baxay dawladda Kuwait ayaa sheegay, inay weerarkaa fuliyeen laba nin oo u dhashay dalka Kuwait, kuwaasoo la kala yidhaa Anis Axmed, iyo Jaasima Mubaarak. Labada nin oo markii ay weerarka fuliyeen watay gaadhi kuwa rayidka ah waxa ay rasaas ooda kaga qaadeen Ciidamada Maraykanka oo ku jiray tababarkoodi sanadlaha ahaa oo ay ku samaynayeen jasiirada Filka oo ku dhaw xuduuda dalka Ciraaq.
Ilaa iyo hadda ma cadda cida ay ka tirsanaayeen, nimankan weerarka qaaday. Waxaase la sheegay in mid ka mid ah ay saddex qof oo qaraabadiisa ahi ay ka mid yihiin maxaabiista uu Maraykanku ku hayo jasiirada Guwaantanaamo, ee dalka Kuba.
Ciidamo maraykan ah oo ay tiradoodu dhan tahay 10,000 oo askari ayaa ku sugan dalka Kuwait kuwaasoo diyaar u ah inay Kuwait ka ilaaliyaan wax weerar ah oo kaga yimaada dalka Ciraaq. Dawladda Kuwait ayaa Xidhay jasiirada Filka, iyadoo qabqabatay dad gaadhaya 30 qof oo lagu tuhunsanyahay inay weerarkan ku lug lahaayeen. Waa markii ugu horeysay ee weerar noocan ah lagu qaado Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Dalka Kuwait.
Dawladda Suudaan Oo Dib U Qabsatay, magaalada Tuurit
K |
hartuum (W. Wararka): Ciidamada dalka Suudaan ayaa dib u qabsaday magaalada Tuurit, oo ku taala Koonfurta Suudaan taasoo ay hore u qabsadeen ka dib markii ay shalay ka dhaceen dagaalo kululi oo dhex maray Ciidamada dawladda iyo isbahaysiga mucaaradka Suudaan,.
War laga sii daayay Idaacadda iyo Tv-ga Suudaan ayay dawladdu ku sheegtay inay ciidamadeedu ku qasbeen kuwa mucaaradka inay dib uga gurtaan Tuurit, ayna ka dileen mucaaradka ciidamo fara badan khasaare ballaadhan oo dhinaca qalabka ahna gaadhsiiyeen. Xoogaga mucaaradka ayaa dhinacooda iyaguna qirtay inay gacantooda ka baxday Magaalada Tuurit ka dib bay yidhaahdeen markii ay Ciidamada dawladda gaadhsiiyeen magaaladana ay dib uga gurteen hab xeelad dagaal ah, ayna kaabiga ku hayaan diryaarna u yihiin inay weeraro cusub ku qaadaan magaaladaasi, si ay dib ugu qabsadaan. Dhawaanahanba waxa dib uga soo cusboonaaday dagaaladii sokeeye oo rajo laga qabay inay is taagaan ka dib markii uu burburay wada-hadaladii dawladda iyo mucaaradka uga socday dalka Kiiniya.
Shirkado Ruush ah Gaasta Dabiiciga ah ka baadhaya Itoobiya
A |
ddis Ababa (W. Wararka): sideed ka mid ah Toban ceel oo laga qoday gaasta dabiiciga ah ayaa la dhamaystiray deegaanka Calub ee laga qoday ceelalkaas dalka Itoobiya.
Laba shirkadood oo ka tirsan Ruushka ayaa codsiyo u soo gudbiyay, dawladda Itoobiya si ay u sii wadaan hawsha soo saarista gaaskaas dabiiciga ah sidaa waxa dabayaaqadii todobaadkii hore shaaca ka qaaday haweenayda ah Wasiirka macdanta iyo saliid qodista Sinknesh Ejigu ee dalka Itoobiya.
Wasiiradda Ejigu waxay ugu warantay jariidada Sub-saharan Informer in labada shirkadood ee kala ah Mothanol Joint iyo Stroystrans Gaz Joint Stock Company in ay horaantii sanadkan la galeen dawladda Itoobiya heshiiska is afgarashada (Memordum of Understanding) sidaa daraadeed la bilaabayo hawsha ceelasha gaaska dabiiciga ah sideed ka mid ah warkani wuxuu intaa ku daray in shirkadahaas hadda ay ka shaqaynayaan maalgelintii iyo dhamaystirkii farsamada iyo heshiisyadii looga baahan yahay bilowga soo saarista gaaska dabiiciga ah ee (8) ceel oo ku yaal Itoobiya. Sanadii 1980kii daraasad ay samaysay hayada hawlaha Batroolka ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in uu kaydka gaaska dabiiciga ah ee ku jira ceelashaasi uuyahay 76 bilyan Cubic Meter oo kayd ku ah meesha loo yaqaan Calub, 15% waa dareere, 80% waa adke, boqolkiiba 80% guud ahaan gaaska dabiiciga ah waa loo isticmaali karaa ujeedooyin badan oo kala duwan mudda dhan 40 sanadood , qaybta dareeraha ah ee kaydkaas gaaska dabiiciga ah ee Itoobiya waxaa loo isticmaali karaa shidaal ahaanhalka qaybta adkaha ah loo qaadanayo dhinaca beeraha iyo koronto dhalinta, waxaa kale oo jirta rajo ah in loo badeli karo qaybta adkaha batrool.
Waraysigan ay jariirada sub-saharan Informer la yeelatay Wasiirka qodista macdanta iyo shidaalka ee Itoobiya Sinknesh Ejiga waxaa kala oo ay rajo ku sheegtay Batrool kayda oo laga filayo gobolka ku yaal galbeedka Ethiopia ee, Gambella wada hadalo ayay kula jirtaa shirkado kala duwan haweenayda hawlahan u qaabilsan Xukuumadda Ethiopia Mrs Sinknesh Ejigu.
Ronaldo: Waxay Ahayd Maalin Wacan Oo Wacdarro Lahayd
M |
adrid (R/Madrid.): “Waxay ahayd maalin wacdarro leh oo aan ka raali noqday” waxaanay ahayd mid xiligii la doono gool aynu dhalin koraynay” sidaas waxaa ku waramay Ronaldo oo ka waramay ciyaartii dhexmartay kooxdiisa Real Madrid iyo Kooxda Alaves ee uu labada gool u dhaliyay.
Ronaldo wuxuu kale oo uu sheegay in uu daacad ahaan aanu ogaan karayn inuu galayo ciyaarta oo uu ciyaari doono, iyo in kale isagoo ka mid ahaa keydka ciyaartoyda ee kooxdiisa galabtaa Ronaldo.
Ronaldo isagoo faraxsan ayuu yidhi “dhibtii iga haysatay muruqu way dhammaatay, hadda waxaan doonayaa in aan ciyaaro waqtiga ciyaarta oo dhan” isagoo ka hadlaya warbaahinta iyo saxaafada wuxuu yidhi Ronaldo “warbaahinta weeya ta abuurta rajada, ma aha anaga waxaanu leenahay barnaamij, isagaanu ku hawlgalnaa, warka ka baxa warbaahintu saamayn kuma leh shaqo ciyaareed” woxoogaa waan xanaaqsanaa fadhigaygii ciyaarta ee aan fadhiyay kuraasta keydka ciyaartoyda waa arrin adag fadhigaase marka ay wax walba kuu muuqdeen”
Ronaldo isagoo ka waramaya awooda wararka ee Kooxda Real Madrid wuxuu xusay in ay adagtahay in difaaca Kooxda ka soo horjeeda Real Madrid ay caabi karaan marka (6) weeraryahan oo dhamacda ka kulul oo ka tirsan Real Madrid ay hujuunka galaan.
Ronaldo wuxuu ku amaanay, kooxdii ay wada ciyaareen ee Alaves inay yihiin koox ciyaareed wanaagsan oo aan u ogolaan in kubada ay dibadda uga baxdo garoonka oo uu waqti lumo.
Isaga oo ka waramaya Ronaldo, ciyaartoyda ay isku Kooxda yihiin wuxuu tilmaamay inay kalsoonida ka mid tahay markay garabkaaga ka ciyaarayaan Figo iyo Zidane.
Ronaldo isagoo ku sii tiiqtiiqsanaya fursadihii ay u lahayd maalintaasi hibadiisa ciyaareed wuxuu sheegay in ay u suurto gal ahayd inuu dhaliyo goolal intaas ka badan laakiin aanu doonayn inuu sii badsado goolal dhalinta maalintaa.
Ciyaartaas wuxuu Ronaldo soo galay daqiiqadii 64aad ee ciyaarta hase yeeshee, wuxuu la soo galay in uu cagtiisa, kubbadda iyo goolku ay mataanoobaan, markii uu daqiiqad qudha uu garoonka qaybtiisa ay ciyaartu ka socoto uu ku jiray
Sayladda dhul-boobka iyo saamaynta Dugsiyada Burco
X |
aafad isku cufan oo aqal Somaliyo iyo Sandaqado yar yar ka kooban ayaan wadiiqooyinkeeda aadka u dhuudhuuban ee faro ku tiriska ah inka badan dhawr iyo toban daqiiqadood ah had-ba dhinac u raacayey, laakiin goor dambe oo aan sidii qof ambad ah baaladaymoonayo meel buulal dhexdood ah ayaan isha ku dhuftay dhismayaal ka kooban kharaabado dunsan, hore ayaan u soo socday ilaa isa soo taagay barxad yar oo ay dhinac walba kaga soo jeedaan seked dhereran oo daaro dunsan ah. Barxaddaasi waa meel cidla ah, dabadeed-na mar kale ayaan cabaar aniga oo taagan baaladaymooday, laakiin aniga oo is leh inta kharaabadahan bahalo kaaga soo bixin iskaga dhex bax ayaan goor dambe isha ku dhuftay laba nin oo taag taagan suryo dhismayaal dhexdood ah oo dhinaca waqooyi ilaa dhawr iyo labaatan talaabo iga xigta, dabadeedna xagoodii ayaan u soo dhaqaaqay markii aan isla soo taagay ayey igu yidhaahdeen “waad aragtaa waxa na haysta” . Goobtaasi waxay ahayd dugsiga sare ee Sh. Bashiir oo ah mid ka mid ah labada dugsi ee sare ee ay leedahay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo aan booqday dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee Sabtembar oo aan socdaal ku tegey magaalada Burco. Labada nin ee aan subaxaa kula kulmay dugsiga Sh. Bashiir waxay ahaayeen laba nin oo ka mid ah kormeerayaasha waxbarashada Togdheer (Kaahin & Axmed Bile), xiligaas oo ahayd abaara 8:30 Aroornimo waxay labadaa kormeere iyo koox macalimiin ah oo aan, iyagana halkaa kula kulmay ku mashquulsanaayeen hawl subaxeedka ardayda dugsiga sare ee SH. Bashiir. Laakiin jiid balaadhan oo uu dhismaha dugsigaasi ku fadhiyo waxay xaaladeedu ka dhigan tahay “Reer Ba’ow yaa ku leh”. Waayo marka laga reebo sekedda xagga dambe ku taal oo fasalo u ah ardayda dugsigaa dhigata dhismayaasha dugsigaasi waxay dhammaantood ka kooban yihiin kharaabado qashin qub iyo weliba suuliyo u ah xaafadaha meel cagtaa la dhigo u diiday dhul-weynihii dugsigu lahaa. Laakiin guud ahaan marka laga yimaado darxumada dhul iyo dhismeba hadhaysay goobta uu ku fadhiyo dugsigaasi laba muuqaal baa iigu damqasho xumaa, xafiiskii dugsiga laga maamuli jirey oo ah kharaabad kaadida iyo saxarada lagula gabado, docdiisuna tahay goob qashin-qub iyo ta labaad oo ah sekedda keliya ee dhisan oo hadii aad dhinaca dhabarka uga wareegto aad qoobka la gelayso xabaalo goglan. “Halkaa ayuu maraa dayrkii iskuulku (intuu farta ku fiiqay)”sidaa waxa yidhi nin ka mid ah macalimiinta dugsiga Sh. Bashiir oo ii tilmaamaya inta xabaaluhu ka sokeeyaan dayrkii dugsigu lahaa, taas oo uu cidhifka xabaaluhu hadda dhawr talaabo u jiro seeska qololka ardaydu wax ku barato. “Xabaalo iyo mayti ayaanu la deris nahay”sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ardayda dugsigaa. Laakiin dhibaatada noocaas ahi ma aha mid uu madi ku yahay dugsiga Sh. Bashiir oo keliyi, balse khayrkii ayuu wax la qabaa. Tusaale ahaan dugsiga la yidhaahdo 15-ka May oo ah dugsiga sare ee labeeya Sh. Bashiir ayey isna durxumadu sidaas oo kale iyo si ka sii xun u hadhaysay, waxayna taasi ka mid tahay saamayn xoog leh oo uu dhul-boobku ku yeeshay Dugsiyada magaalada. Hase yeeshee inkasta oo aan inta badan Dugsiyada magaalada indhaha ka soo qaaday, hadana nasiib wanaag qaar ka mid ah waxaan tegay, iyadoo aanay cidi joogin, taas darteedna iima suurta gelin inaan la sheekaysto maamulkooda iyo macalimiintooda.
“Waxaanu maalin walba dadka isku haysanaa bogcadda ay fasaladu ku yaaliin intii kale dhulkii iskuulka waa nalaga qaaday”sidaa waxa yidhi mid ka mid ah macalimiinta dugsiga H/dhexe ee Sh. Yuusuf Alkownayn oo ka mid ah Dugsiyada magaalada Burco.
Marka Laga reebo wax aan laba-saddex dugsi ka badnayn inta badan Dugsiyada tobanka ka badan ee magaalada Burco ma laha dayr, taasina dhul-boobka ka sokow waxay ku haysaa dhibaatooyin noocyo badan leh. “Isbiitoolaha ayaa adiga oo xiisadii ku jira daaqadda ama albaabka isa soo taagaya, taasina waxay meesha ka saartaa gacan ku hayntii fasalka iyo hawshii wax dhigista”sidaa waxa yidhi maamule-kuxigeenka dugsiga Sh. Yuusuf, Xirsi Faarax Guuleed oo aan xafiiskiisa kula kulmay cabaar-na kala sheekaystay sida uu dhul-boobku u saameeyey dugsigiisa, iyadoo uu dugsigaasi yahay bilaa dayr. “Koone walba waa nalaga soo galay, dugsiga dhexdiisa ayaa la degan yahay, guryihii iskuulku lahaa ayaa dad kale degan yahay”ayuu intaa ku daray maamule-kuxigeenku. Laakiin marka laga yimaado xaafadaha kale waxa dayrka iskuulka Sh. Yuusuf ku taal kaalin Shidaal, taas oo ka mid ah degsiimooyinka dhibaatada ugu weyn ku haya dugsigaa, iyadoo uu maamule-kuxgeenka dugsigaasi ii sheegay inay dugsiga wax ka bartaan inku dhow 300 oo arday, isla markaana ay wax ka dhigaan inka badan toban macalin.
“Meel aanu ka soo galno iyo meel aanu ka baxno iyo meel ay ardaydu noogu ciyaarto midna ma haysano”sidaana waxa yidhi maamulaha dugsiga H/dhexe ee Togdheer oo isna ka mid ah Dugsiyada Burco, Ibraahin Axmed Cali (Bidhi).
Dugsiga Togdheer waxa uu ka mid yahay Dugsiyada ugu darran ee uu saameeyey dhul-boobku, isla markaana dugsigaasi waxa uu ka mid ahaa iskuulada ugu dhulka balaadhan Dugsiyada Burco, laakiin wax 20% ka yar ayaa maamulka dugsigaa gacanta ugu jira, waxaana dhulkii uu dugsigu lahaa oo hadda bilaa dayr ah sida kororkorada u degay xaafado u badan aqal Somaliyo iyo sandaqado. sidaa darteed xataa ma helaysid albaab aad ka gasho, waayo koone kasta waa laga dhigay oo xataa waxa dugsiga laga qaaday gurigii uu maamulaha dugsiga oo xafiiska dugsiga laga maamulo u jira qiyaas aan ka badnayn dhawr iyo toban talaabo. “Hadda waxaanu ku talo jirnaa inaanu dhisno dayrkii dugsiga oo aanu doonayno inay dhismihiisa iska kaashadaan waalidiinta dugsiga iyo cidii kale ee aanu kaalmo ka helno”ayuu yidhi maamulaha dugsiga Togdheer, iyadoo maamuluhu ii sheegay inay dugsigaa wax ka bartaan ilaa 800 oo arday, isla markaana ay wax ka dhigaan dhawr iyo toban macalin. Waxa kale oo uu maamuluhu ii sheegay inaan 6 fasal qalab la’aan dartood la isticmaalin hadda, isaga oo maamulaha Togdheer xusay baahi dhinaca fasalada wax lagu barto ah.
Dugsiga lagu naanayso Khasabka oo ka mid ah Dugsiyada H/dhexe ee Burco waxa uu ka mid yahay goobihii ugu dambeeyey ee ay ka dhaceen dagaalada dhul-boobku, ka dib markii bishii hore weerar ba’an lagu soo qaaday bogcadda uu iskuulkaasi ku fadhiyo, laakiin waa taa waa la baajiyey, wuxuuna iskuulkaasi ka mid yahay dhawrka dugsi ee hadda dayrka leh, dayrkaasna inkasta oo ay weli qabyo ka muuqato, hadana waxa uu u noqday bili-xijaab ay kaga raysteen socotadii iyo islaamihii caanaleyda ahaa ee dhex-lugayn jirey, taana waxa uu ku dhaamaa dugsiyo badan oo dhigiisa ah.
“Gidaarkaa inta naga qabyada ah wixii aanu ku dhamaystiri lahayn waanu haynaa, laakiin labadaa reer ee meesha degan (intuu farta ku fiiqay) ayey taasi ka suurta geli wayday”sidaana waxa yidhi maamulaha dugsiga H/dhexe ee Sh. Ibraahin, Faarax Maxamed (Dhoola-yare) oo farta ku fiiqaya laba qoys oo degan kaamboolka dhinaca koonfureed ee dugsiga, laakiin dugsiga Sh. Ibraahin, inkasta oo ay saamaysay dhibaatada dhul-boobku, hadana aad buu uga muuqaal duwan yahay dugsiyo badan oo dhigiisa ah, wuxuuna ka mid ah meelahay inta badan dhulkiisii lagu mintiday, iyadoo uu iskuulka dayr ku wareegsan yahay inta badana uu dhulkiisii gacanta ku jiro. “Tiro ma leh inta goor ee dhulka dugsiga nalagu soo weeraray, laakiin waanu ku mintidnay anaga oo la kaashanayna dadweynaha iyo maamulkaba”ayuu yidhi maamulaha dugsiga Sh. Ibraahin.
Kun iyo dhawr boqol oo arday ayaa dhigta dugsiga SH. Ibraahin sida uu ii sheegay maamuluhu, wuxuuna intaa ku daray “Afar fasal oo aanay dawlad iyo hayad midna naga caawin ayaanu dhowaan dugsiga ku kordhinay, laakiin waxa noo suurta geliyey waalidiinta oo naga caawiyey dhinaca dhaqaalaha iyo is-xilqaanka maamulka iyo macalimiinta dugsiga”, isaga oo maamuluhu waalidiintaa ka magacaabay dhawr xubnood “Cali Gadhle, Maxamed Kaahin, Maxamuud Xasan Muuse, Dr. Cabdi Yaasiin iyo dad kale oo badan oo aanaan halkan magacyadooda ku soo koobi karin ayaanu u mahad naqaynaa”ayuu yidhi, Dhoolayare.
Hase yeeshee marka laga hadlayo saamaynta ay dhibaatada dhul-boobku ku yeelatay magaalada Burco dugsiga ugu geerida xun ee aan la kulmay waxa uu ahaa dugsi ku yaal badhtamaha magaalada oo ahaa dugsi hoose, magaciisuna yahay “Dugsiga Hoose ee Siyaad”.
Dugsigaas oo uu ka mid muuqdo burbur badani waa meel aan hadda ahayn goob waxbarasho, isla markaana wasaaradda waxbarashada gobolka aanay inyarina gacantooda kaga jirin ee gacanta ugu jira dad gaar ah, waxaana banaankii iskuulka dhexdiisa ee ardayda subixii lagu faylin jirey laga dhigtay geerashyo baabuurta lagu sameeyo ama la dhigto, halka fasalada qaarkoodna laga dhigtay hudheelo cuntada lagu kariyo, qaarkoodna laga dhigtay bakhaaro biraha baabuurta iyo wixii la mid ah la dhigto.
Dugsiga Farsamada gacanta Burco oo hadda burbursan ayaa isna ka mid ah meelaha uu dhul-boobku sida weyn u saameeyey, isla markaana waqtigan xaadirka ah ka mid ah meelaha uu weerarka joogtada ahi ku socdo. “Hadh iyo habeen yuurtaa ayaanu haynaa”sidaa waxa yidhi Nin oday ah oo ka mid ah dadka degan xaafadaha uu dugsigaasi ku yaal.
Dhamaantood maamuulayaasha iyo macalimiinta iyo xataa kormeerayaasha aan kula kulmay Dugsiyada aan booqday waxay ii sheegeen inay marar dacwado ku saabsan dhibaatada dhul-boobka Dugsiyada u gud-biyeen maamulka Burco, heer gobol iyo heer degmo iyo weliba heer qaran, laakiin ay taasi weli tahay mushkilad shilis oo taagan. Hase yeeshee maayarka iyo badhasaabka Burco oo aan labada waydiiyey sababta ay wax uga qaban waayeen ilaa hadda dhibaatada dhul-boobka Dugsiyada waxay ii sheegeen inay dhibaatooyinkaa qaarkood intii karaankooda ah ilaa hadda wax ka qabteen ama ay ku talo jiraan inay wax ka qabtaan, laakiin dhibaatooyinka qaarkood-na waxay ku tilmaameen inay ka qaro weyn yihiin, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay mushkilad qaran , sidaa darteedna loo baahan yahay inay wax ka qabashadeedu noqoto xal dawlad iyo dadweyneba hareeraha la iska taago.
Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene dhibaatada Dugsiyada Burco ka haysata dhinaca dhul-boobka waxay u muuqatay mushkilad shilis, isla markaana xasaasi ah, sidaa darteed mudan in wax laga qabto oo weliba wax looga qabto sida ugu dhakhsaha badan, waana xil u yaal dhamaan dawladda hoose, dawladda gobolka iyo dawladda dhexe iyo dadweynayha ay dugsiyadu ku yaaliin, iyadoo ay tahay in xusuusta lagu daro inay dugsiyadu yihiin wax ka duwan ama ka mudan goobo badan oo danta guud ah, waayo waxa lagu barbaarinayaa ubadkii dalka.
Ergada dhexdhexaadinta oo markii u horaysay isa soo horfadhiisiyey dhinacyadii dirirtu dhexmartay
L |
aas-caanood (Haatuf): Shalay ayaa markii u horaysay la isa soo horfadhiisiyey ergooyin ka kala socda laba ka mid ah afar ardaa oo ay dilal dhexmareen oo hadda lagu dhexdhexaadinayo magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool, ka dib markii muddo bil ku dhowaad ah laga dhex-wadey waan-waan iyo isu soo dhowayn, waxayna labadaa ardaa kala yihiin: Bah Idarays (Ugaadhyahan) iyo Reer Warsame (Jaamac Siyaad).
Sida uu ku soo waramay Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan oo ku sugan Laas-caanood waxay ergooyinka labada dhinac ka kala socda ee la isa soo horfadhiisiyey ka kooban yihiin 30 xubnood oo ay 15-ba dhinac ka socoto, wuxuuna kulanka la isku qaabilsiiyey ka dhacay xarun ay leeyihiin gabdhaha agoomaha ah reer Laas-caanood, waxaana ugu horayn labada dhinacba laga qaaday dhaar ku saabsan inay diyaar u yihiin xal iyo inay qaadanayaan wixii go’aamo ah ee ay guddiga dhexdhexaadintu ka gaadhaan arintooda, iyadoo ay labada dhinac dhex-fadhiyaan ergo isku dhaf ah oo ka kooban 38 xubnood, kuwaas oo ay 26 ka mid ahi yihiin ergo ay isimada reer Sool u magacaabeen gelidda arintaa, halka 12 xubnoodna ka socdaan weftiga reer Somaliland ee gobolka Sool socdaalka ku jooga, isla markaana inkasta oo ay dilal hore jireen, hadana dilkii ugu dambeeyey ee dhexmaray labada ardaa ee la dhex-dhexaadinayo waxa uu ahaa caaqil magaciisu ahaa marxuum Daahir Faarax oo horaantii Sabtembar lagu dilay gudaha Laas-caanood, iyadoo la sheegay inuu dilkiisu la xidhiidhay aano hore.
Gudoomiyaha kooxda guddiga ah ree Reer Sool, Aw-Daahir Xaaji Xasan ayaa dhaartii ka dib kulanka la isku qaabilsiiyey ergooyinka wada xaajoonaya ka hadlay, wuxuuna yidhi “Colaadi waxay dumiso mooyaane wax ma dhisto oo wiil baa ku dhinta”, isaga oo intaa ku daray inay hawshiina muddo soo socotay oo wax la isu soo dhowaynayey, laakiin ay maanta labadii dhinac-ba diyaar u yihiin in la kala guro.
Madaxa weftiga reer Somaliland ee socdaalka ku jooga gobolka Sool, Suld. Cabdilaahi Suld. Cali ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Waxaad tihiin laba reer oo walaalo ah (Jaamac Siyaad iyo Ugaadhyahan Siyaad) waa kugu dhimay oo kaa dhimay, illaah baanu idinku dhaarinee ha isu muuqanina oo shaydaanka iska naara, colaadina waxba ma tarto”.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno ay ka mid yihiin: Sh. Muuse Goodaad oo ah kuxigeenka weftiga, Suldaan Maxamud Guuleed, Suldaan Ibraahin iyo Maxamed kaahin Axmed, waxayna xubnaha halkaa ka hadlay dhammaantood labada dhinac u jeediyeen wacdi dheer oo ay dhinacyo badan wax ka hoga-tusaaleeyeen, iyadoo dhinaca diinta islaamkana wax badan laga hoga-tusaaleeyey, looguna duceeyey inay dhinaca wanaagga maraan oo ay colaadda ka gudbaan. Intaa ka dibna waxa, iyaguna halkaa ka hadlay gudoomiyayaasha labada dhinac ee ay Utuntu dhextaal, kuwaas oo madashii ka ballan-qaaday inay diyaar u yihiin wada xaajoodka, isla markaana ay qaadan doonaan go’aamada ay guddiyada dhexdhexaadintu ka soo saaraan arinta.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah garaadada reer Sool, isla markaana ka soo jeeda mid ka mid ah labada beelood ee wax dhexyaaliin ayaa isna halkaa ka hadlay, isaga oo labada dhinac-ba ku waaniyey inay colaadda meesha ka saareen oo ay nabad ku bedelaan. “Maanta ayey nabadii inta badan la soo wadey si dhab ah u hirgashay mar hadii dadkii walaalaha ahaa la isa soo horfadhiisiyey”sidaana waxa yidhi mudane Cali Sandule oo ka mid ah mudanayaasha beesha Sool kaga jira baarlamaanka Somaliland, kana mid ah ragga hawsha nabadaynta wax ka wada.
Dhinaca kalena maanta ayaa la isa soo horfadhiisinayaa labada ardaa ee Fiqishini iyo reer Cilmi oo ka mid ah beelaha ay dhibaatadu dhex taal ee hawshooda lagu jiro, waxaana ergooyin labada beelood ka kala socda la isku soo horfadhiisinayaa tuullada la yidhaahdo Kalabaydh oo qiyaas oo 28 KM ah dhinaca koonfureed ka xigta laas-caanood.
Reer Sool miyey ka qayb gelayaan shirka Nayroobi
L |
aas-caanood (Haatuf):Iyadoo ay hadda qalqaaladiidu socoto shir dib-uheshiisiinta Somaliya ah oo la sheegay in lagu qabanayo dalka Kenyo ayey maalmihii u dambeeyey warar la isla dhexmarayey tibaaxeen in beelaha Hartiga ee bariga Somaliland saami looga qoondeeyey ergooyinka la doonayo inay ka qayn galaan shirka lagu wado inuu ka dhaco Kenya.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Laas-caanood jooga, Liibaan Maaweel Shire waxa maalmihii u dambeeyey suuqyada magaalada Laas-caanood la isla dhexmarayey warar sheegaya inuu madaxweyne-kuxigeenka maamul-goboleedkas Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Sool la soo xidhiidhay qaar ka tirsan hogaamiyayaasha reer Sool iyo ragga maamulkiisa u jooga Laas-caanood, una sheegay in ergooyinka shirka dib-uheshiisiinta Somaliya ee Nayroobi beelaha Hartiga saami laga siiyey, sidaa darteed ay beesha Sool soo qaybsadaan xubnaha uga qayb gelaya shirkaa.
Sida ay tibaaxeen wararka arintaa ku saabsani waxa madaxweyne-kuxigeenka Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi laga soo sheegay in beelaha Hartiga (Puntland & Somaliland) guud ahaan saami loo siiyey 47 xubnood, laakiin markii la sii qaybsaday ay beesha Sool saami u heshay 12 xubnood. Hase yeeshee ilaa hadda lama hayo warar rasmi oo xaqiijinaya jiritaanka arintaa, isla markaana hogaamiyayaasha reer Sool kama soo bixin hadal rasmi ah oo ku saabsan arintaa, laakiin Garaad C/qani Garaad Jaamac oo ka mid ah garaadada waaweyni ee reer Sool ayuu weriyaha Haatuf arintaa waydiiyey, wuxuuna garaadku ku jawaabay “Aniga cid ila soo hadashay ma jirto, wax la qaybsanayo oo dhul-bahante loo soo qorsheeyeyna ma ogin”, laakiin garaadku waxa uu intaa ku daray “Maanta ma jirto wax qorshe ah oo la damacsan yahay in shirkaa lagaga qayb galo”.
Dhinaca kalena waxa uu warku sheegey in goobaha lagu kulmo ee magaalada Laas-caanood had iyo goor lagu hayo hadal hayn iyo faallooyin ku saabsan shirka la sheegay inuu ka dhacayo Nayroobi.
Ninkii dad-qalnimada lagu eedeeyey iyo saamaynta uu ku yeeshay dadka
H |
argeysa (Haatuf): Nin dhalashadiisa lagu sheegay qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, magaciisana lagu sheegay Aadan Ibraahin Siciid ayaa lagu eedeeyey fal dad-qalnimo ah, ka dib markii ay boolisku sheegeen inuu ninkaasi isku deyey inuu qasho, ka dibna dhiigiisa cabo wiil reer Hargeysa ah oo da’diisu tahay dhawr iyo toban jir, laakiin warka ninkaa oo ay baahiyeen qaar ka tirsan saxaafadda wadaniga ahi waxay taasi saamayn weyn ku yeelatay dadka Itoobiyaanka ah iyo dadka u dhashay koonfurta Somaliya ee dalka ku sugan, sidoo kalena waxa uu warkaasi argagax ku abuuray dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa, gaar ahaan caruurta.
Eedayntaa ninkaa oo habeen hore laga baahiyey telefishinka Hargeysa, isla markaana maalintii shalay ay qoreen wargeysyada Jamhuuriya iyo Maandeeq waxay saraakiisha boolisku ku doodeen inuu ninkaasi ku talaabsaday falkaa dad-qalnimada ah, iyadoo uu ninkaa markii o horaysay lagu xidhay saldhigga booliska ee madaarka Hargeysa, laakiin mar ay weriyayaal Haatuf ka tirsani booqdeen saldhigga booliska madaarka waxay masuuliyiinta saldhigaasi sheegeen in ninkaa loo gudbiyey si ay kiiskiisa baadhis ugu sameeyaan, waxaana la sheegay inuu ninkaasi ilaa hadda si rasmi ah u qirtay inuu qabo cudurka juudaanka loo yaqaan.
Inkasta oo ay boolisku ninkaa ku eedeeyeen inuu falkaa geystay, hadana weli waxa la sugayaan xaqiiqooyin intaa ka badan, iyadoo ayna dawladduna ilaa hadda war rasmi ah ka soo saarin warka argagaxa leh ee soo baxay.
Qaar ka mid ah dadka Itoobiyaanka ah iyo dadka Somalida Koonfureed ee ah qaxootiga magaalada jooga ayey dadku ku qamaameen, iyaga oo u aanaynaya falka dad-qalnimada ee lagu eedeeyey ninka u dhashay Oromada Itoobiya, sidoo kale dadka Somalida koonfureed ee degan xaafadda kililka la yidhaahdo iyo xaafadaha dacalada magaalada ayaan inta badan maalintii shalay soo gelin suuqyada magaalada, iyadoo ay dadkaasi subax kasta goor hore dawero ugu soo foof-tegi jireen magaalada, laakiin taasi ay maalintii shalay aad u yaraatay.
Dhinaca kalena dadka reer Hargeysa ayey arintaasi ku abuurtay fajac iyo argagax, waxayna sheekadaasi noqotay mid ruxday dareenka dadka reer Hargeysa, iyadoo cabsi gaar ah ku riday caruurta, waxayna dadku, iyaga oo koox koox u socda is hortubayeen saldhigyada booliska ee magaalada, gaar ahaan saldhigga dhexe oo ay u filayeen inuu ninka dad-qalnimada lagu eedeeyey ku xidhan yahay, taas oo ay doonayeen bal inay wejigiisa arkaan ninka la sheegayo. Sidaa darteed waxa ugu horayn lagama maarmaan inay dawladdu war sugan ka soo saarto arintaa ninkaa, isla markaana waxa muhim ah in dad aan wadanka u dhalan loo sameeyo qorshe ka duwan in lagu qamaamo oo loo geysto waxyeelo aan loo meel-deyin, laakiin waxa loo baahan yahay inay dawladdu siyaasad cad ka yeelato dadka dalka ku soo qul-qulayo, iyadoo aan cidina ogayn.
Wargeyska Sharqul-Awsad oo Ku Eedeeyay Somaliland inay Dacaayado ka Faafisay Masar
L |
ondon (Sharqul-awsad): Wargeyska sharqul-awsad ee ka soo baxa magaalada London ee dalka ee Ingiriiska ayaa ku eedeeyay Somaliland inay ka faafisay dacaayado ka dhan ah Masar, isla markaana ku eedaysay inay soo faragelinayso arrimaheeda gudaha, islamarkaana ay hormood ka tahay olole Siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo ay ku qancinayso dawladaha carabta inaanay ictiraafin gooni isu taaga Somaliland carqaladna ay ka abuurayso degenaashaha geeska Afrika.
Wargeyska oo daba socday faallo ku soo baxday Wargeyska Haatuf Al-carabi, cadadkiisii 43aad ee soo baxay khamiistii 03/10/02, oo ka hadlaysay, sida ay weli dawladda Masar ugu hawlan tahay dibindaabyada Somaliland iyo doorkii ay ciidamadeedu ka qaateen xasuuqii uu u gaystay dadka reer Somaliland taliskii Barre, oo ay ku taageeri jireen tababaro iyo qalab milatari, oo uu u adeegsaday dagaalkii uu kula jiray Shacbiga Somaliland markii uu socday halgankii dib u xorayntu ee uu hormoodka ka ahaa ururkii SNM.
Waxa kale oo uu wargeysku soo xigtay waraysi uu Haatuf Al-Carabi la yeeshay Safiirka Masar u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Salaax Xaliima oo markaa booqasho ku joogay Somaliland isagoo wada hadalo la yeeshay masuuliyiinta Somaliland.
Totti Oo Dhaawac uga Maqnaanaya xulka Talyaaniga
T |
otti Mid ka mid ah ciyaaryahanada furaha u ah ciyaaraha Talyaaniga ayaa dhaawac soo gaadhay awgeed ciyaaraha uga fadhiyay kulamada Xulka Talyaanigu ay la leeyihiin kooxaha Yugulaafiya iyo Wales.
Warbixinta caafimaad ee Totti waxay shalay ka soo baxday xero tababar oo u dhaw Florence ka dib markii baadhis caafimaad lagu sameeyay. Dhakhtarka kooxda talyaaniga Anderea Feretti ayaa u sheegay hay’adda wararka ee ANSA inaanay muuqan fursad caafimaad oo uu ku ciyaari karo Totti.
Totti oo ah weeraryahan gool dhaliye ah wuxuu u dhaliyay kooxda As-Roma Shan Gool, laba ciyaarood oo Serie A-da talyaaniga ah. Totti waxay ku dhacday jugta dhaawac ee uu hadda la fadhiyo ciyaartii ay sabtidii Kooxdiisa As-Romi 4 gool kaga badisay kooxda Udinese oo iyadu gool qudha dhalisay ciyaartii ay ku kulmeen. Weeraryahanka Inter Milan Christian Veria ayaa isaguna ku maqan jug dhaawac oo ka soo gaadhay ciyaaraha halka Inzaghi AC-Milan, isna uu marayo baadhis caafimaad, si uu safto ciyaaraha talyaaniga ama uu uga hadho.
Tababaraha kooxda Xulka talyaaniga Giovanni, ayaa sheegay in aanu horeba rajo uga qabin inuu safto Totti, laakiin uu u keenay Totti goobaha uu ciyaartoyda uga diyaarinayo si aanu uga maqnaan tababarka socda xaaladiisa. Inzaghi oo isna 15 gool dhaliyay ciyaarihii uu saftay oo ahaa 9 ciyaarood ayaa isaguna ka cabanaya lugta bidix oo uu ka cawarmay tababaraha Giovanni wuxuu sheegay in ciyaartoyga qudha ee uu tabayo inuu ku soo daro xulka uu yahay Mark Luliano oo u ciyaara Juvantus, laakiin uu ciyaartoygaas ku guul daraystay inuu noqdo qof deggen.