Haatuf

 

Issue: 179                                         Axad, October 13, 2002

 

 

 

 

Badheedhaha Wargeyska

 

Sharciga daryeelka ugaadha ayaa mudan

 

 

Daryeelka noolaha duur-joogta ah ee ku nool Somaliland waa arrin leh faa’iidooyin badan marka laga eego badbaadinta khayraadka dabiiciga ah, dalxiiska iyo xuquuqda xayawaanka dhawristiisa.

 

Marka la eego xaaladda ay ku sugan tahay ugaadhii dabiiciga ahayd ee Somaliland iyo shimbiruhu waxa muuqda in aanay meesha xaaladoodu maraysaa tahay mid ka madhan sharciga xaddidi lahaa dhibta loo geysanayo oo aan hirgalintiisu muuqan iyo dhaqaalaynteeda oo liidata. Waxay tahay su’aasha mawduucan ugu doorka roon hay’addii dawladda u qaabilsanayd daryeelka ugaadhu haddii aanay ku tallaabsan barnaamijyo muuqda oo waxtar u leh ugaadha iyo shimbiraha ku nool Somaliland daryeelkooda, sidee ayay ugu dhiiran tahay in loo sharciyeeyo bixintooda, waa arrin u baahan in si weyn loogu fiirsado. Ma aha tallaabo ku habboon in laga hadlo bixinta ugaadha xilligan iyo xilliyada dhow toona, waxaana leh tusmada hore iyo sida ay dantu ku jirtaa waxay tahay sidee loo daryeelaa, sidee looga ilaaliyaa ku xad-gudubka, sidee loo hawlgeliyaa dhulkii u gaarka ahaa ee ay ugaadhu ku tarmi jirtay, sidee loo ogaadaa noocyada sii dabar-go’aya xaaladdooda.

 

Waxaa la is weydiin karaa, maxay tahay xigmada ku jirta mas’uulkaas awood ha loo siiyo inuu bixin karo ugaadha Somaliland, waxaa u fiirsi u baahan muxuu ku falayaa ka hadiyadda u baahan, miyaanay ka faa’iido badnayn hadiyad kugu siin maynee kaalay oo halkan ku daawo oo la sameeyo beerihii dhaqaalaynta ugaadha oo leh faa’iido dalxiis oo kobcin kara dhaqaalaha iyo ganacsiga degaanada Somaliland ee laga sameeyo xarumahaas. Haddiise aanay xukuumaddu dhaqaalayntii ugaadha iyo xakamaynta ugaadhsiga iyo dhoofinta sharci-darrada ah ayna tallaabooyin muuqda oo horumar leh ka qaadin oo ay awoodi kari weyday ma waxay awood u leedahay ama sharci u samaysanaysaa hadiyad u bixinteeda. Haddiise shuruucdii hore u dhignayd ugaadha ay ku jirtay awooda hadiyad u bixinteedu, macnuhu ma waxa weeyi in sharci walba oo ugaadha ku saabsan uu qodobkaasi ku jiraabaa. Haddii aynu isla garano in hadiyad u bixinta ugaadha aanayba ahayn wax ku habboon xaaladda ugaadheena ama aanay daniba inoogu jirin, sow markaa maaha in laga tanaasulo oo loo baydho qodobada kale ee waxtarka u leh daryeelka ugaadha iyo shimbiraha ku nool Somaliland, mas’uuliyadda in si waafaqsan danta guud ee Somaliland uu noqdo sharciga samaynaya khayraadka sida ugaadhu waa arrin ay tahay in ay si adag u eegaan golayaasha sharci-dejinta ee Somaliland.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wakiilada Somaliland oo ka Hadlay Muddo-Kordhinta Guurtida iyo Xeerka Ugaadha

 

“Wasiirka Maanta Doonaya Inaynu Sharciga U Madax Banaanayno Waa Ninkii Sharcigii Hore Jabiyay”

Mudane Yaasiin Ismaaciil Cali

 

 

Harg (Haatuf): Fadhigii shalay ee golaha wakiilada, waxay mudanayaasha ka qaybgalay talooyin ka soo jeediyeen sharci ay u soo gudbisay wasaaaradda degaanka iyo horumarinta reer-miyiga oo ku saabsanaa ugaadha iyo shimbiraha.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Axmed Maxamed Qaybe oo ka hadlayay arrimkaha ugaadha ee Somaliland ayaa kulankaas shalay ka soo jeeidyay ereyadan:

“Sharcigan haddii si loo eego wuu fudud yahay, haddii si loo eegana wuu culus yahay, waayo waxyaabaha uu ka hadlayo waa khayradka uu waddanku leeyahay. Waddanku ugaadh nooceedu u gaar yahay oo dhowr iyo toban nooc ah ayuu leeyahay, shimbiraheena iyo ugaadheena qaar baan waddamada kale laga helin, aniga waqtigii kacaanka mileterigu jiray xoog baa loo bixiyay, niman Caraba ayaa kumaan-kun la siiyay.”

 

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Md. Axmed Maxamed Qaybe, isaga oo akhriyaya qodobka 2aad ee xeerkaas wuxuu yidhi; “Ugaadha Somaliland waxaa bixin kara wasiirka horumarinta reer Miyiga, waxaan ka badnaan Karin laba iyo saddex ugaadha nooc kastaba, wixii shimbiro ah ilaa toban, oo aanay ku jirin kuwa loo yaqaan Galaydhka oo iyagu dabar-go’aya. Kuwa dabar-go’aya iyaga waxaa bixin kara madaxweynaha.”

 

Mudane Maxamed Aadan Gabaloos oo shaalay ka soo jeediyay talooyin sahrcigaa ugaadha, ayaa soo jeediyay qodobadan:

“Waxay aniga ila tahay qodobadan uu inoo soo gudbiyay wasiirku, waynu ogayn wasiirka waxyaabihii badnaa ee halkan lagu weydiiyay oo aanu helin jawaabo aynu ku qanacno ama uu ku shaafiyo wixii la weydiiyay. Waxay ila tahay inaynu xeerkan sii adkayno mooyee in aynaan dabcin, sida uu inaga soo codsaday ma aha suurtogal, waayo waxaynu ogayn tii aynu markii hore ansixiyay Md. Farxaan isaga oo mahadsan uu weydiiyay (wasiirka) maxaad ku soo baddasheen, jawaabteeda waa kii waayay. Qodobkaa uu soo codsaday ee uu leeyahay aniga ha la ii oggolaado in aan bixin karo, markaa kaa waxay ila tahay inaynu diidno, halkaa uu wasiirku awooda isagu isa siiyayna anigu waxaan odhan lahaa, qaranka waxaa u sarreeya madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha golaha wakiilada iyo guddoomiyaha guurtida. Waxaan soo jeedin lahaa afartaa xubnood ha yeesheen awooda bixinta, haloona xaddido.”

 

Mudane Yaasiin Ismaaciil Cali, oo talo soo-jeedintan sharciga ugaadha iyo shimbiraha ku nool Somaliland ka hadlayay shalay ayaa yidhi; “Ugaadha halkan (xeerka) uu ku soo qoray wasiirku wax badan oo ka qaalisan ayaa jira dalkeena, dadna sheegto oo la dhoofiyo, la dilo, oo dhaqaale-darrona ku dhacdo, ha lagu kordhiyo (xeerkan) sidii loo dhaqaalayn lahaa, waa fardaha; farduhu dalkeena way ka sii yaraanayeen, way baaba’ayaan. Waxaan leeyahay qodobka koowaad ha laga dhigo fardaha, waxaa kale oo ka maqan sakaarada, kuma jirto halkan (xeerka). Waxaan arkay baabuur dhan oo sakaaro ah oo la dhoofinayo.”

Mudane Yaasiin Ismaaciil Cali, isaga oo talo soo jeedintiisa sii wata wuxuu yidhi; “Wasiirka maanta doonaya in aynu u madax-bannayno sharcigan inuu isagu bixiyo, kii hore ninka jebiyay isaguu ahaa.”

 

Mudane Axmed Xirsi Caamir oo isna ka hadlay talo soo-jeedinahaa xeerka ugaadha iyo shimbiraha ee ay golaha wakiilada u soo gudbisay wasaaradda Degaanka iyo horumarinta Reer Miyiga, ayaa isna yidhi; “Wasiirku fasax uma qaadan karo inuu bixiyo ugaadha, fasax wasiir loo siin karaaba ma jiro gebigiisaba, wasiir oo dhanba, nin waliba mudduu joogayaa, muddadaa haddii uu raro berigii dhowayto maxaa ka hadhay. Fasax looma siin karo wasiirada, hab-buu leeyahay caalamiya oo aynu caalamka la wadaagno, xayawaanka dabar-go’aya aan ka dayno xukuumadda in waxbaba laga bixiyo, in lababa bixiyo aan diidno, wuu dabar-go’ayaa ayaynu leenahay.”

Md. Axmed Xirsi Caamir wuxuu intaa ku daray in ugaadha aad ay tiradoodu u yar tahay sida Gumburiga (Dameer-dibadeedka) aan lagu darin oo la joojiyo fasax iyo sharci lagu bicin karo, isaga oo yidhi; “Sida calanka aynu u ilaalino oo Gumburigu calanka ha weheshado, waayo calanku si adag ayuu inagu soo galay.”

 

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md. Qaybe wuxuu isla fadhigii shalay ee golaha wakiilada ka mid ahaa qodobada uu ka hadlay muddo-kordhinta golaha guurtida ee Somaliland oo uu sheegay inay ahayd in golaha Guurtidu uu hal sano ka dambeeyo golayaasha kale, iyada oo uu hadda waqtigu kaga egyahay guurtida bisha May ee sannadka soo socda (2003), oo ah xilliga uu kaga egyahay golaha wakiiladana.

 

Guddoomiye Axmed Maxamed Qaybe, wuxuu soo jeediyay in guddiga shuruucda ee golaha wakiiladu ay laba maalmood soo dersaan dhinaca sharciyan looga wareegi lahaa arrinta muddo-kordhinta golaha guurtida ee Somaliland.

Mudanayaashii ka soo qaybgalay fadhigii shalay ayaa ku raacay Mudane Qaybe soo jeedintaa muddo-kordhinta Guurtida ee loo dhiibay guddiga shuruucda ee golaha wakiilada, si ay talo uga soo bixiyaan tallaabada ay arrintaas ka qaadayaan golaha wakiilada Somaliland fadhigooda maalinta Isniinta ee fooda inagu soo haysa.

 

 

 

Wasiirka Kaluumaysiga Oo ka Waramay Markabka Ku soo Caaryay Xeebta Galbeedka Somaliland

 

 

Boorame (Haatuf): Wasiirka kaluumaysiga dawladda Somaliland, Axmed Xuseen Oomane ayaa shalay tafaasiil ka bixiyey xaaladda markab ku soo caaryey xeebta degmada Lug-haya ee galbeedku Somaliland, ka dib markii ay wasiirka iyo wefti uu hogaaminayey socdaal ku tageen degmada Lug-haya dabayaaqadii toddobaadkii hore, iyadoo markabkaa markii u horaysay xeebaha Lug-haya lagu arkay horaantii bishan.

 

Wasiirka kaluumaysiga oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidh-nay, isaga oo jooga magaalada Boorame ayaa noo sheegay inuu fuulay dusha markabkaa, taas oo uu sheegay inay qaybta sare ee markabka ku arkeen shix-nado biraha garaa’idka loo yaqaan ah, balse aanay dushiisa ugu tegin wax dad ah, taas oo buu yidhi ay shaqaalihii markabkaa saarnaa ka daad-guraysa diyaarad Helu-cupter ah oo ay leeyihiin ciidamada Jarmalka ee hadda ku sugan xeebaha badda cas, isla markaana waxa uu wasiirka kaluumaysigu intaa ku daray inay markabkaa hadda ilaalinayaa kooxo ka tirsan ciidanka Qaranka. Laakiin wasiirku ugu horayn isaga oo ka waramaya wixii ay ku arkeen markabka gudihiisa waxa uu yidhi “Horta markabka waxa fuulay aniga (Wasiirka) iyo 3 qof oo kale (Taliyaha ciidanka qaranka gobolka Awdal, taliyaha ciidanka booliska Awdal iyo maayarka degmada Lug-haya), markabku waa mid ku soo caaryey meesha, ka dibna lagaga cararay oo aanay cidina la joogin, laakiin maamulka degmada lug-haya iyo maamulka gobolka Awdal-ba waxay noo sheegeen inay shaqaalihii markabkaa daad-guraysay Helu-Cupter ay leeyihiin ciidamada Jarmalka ee xeebaha Jabuuti jooga”, wuxuuna intaa ku daray “Markabka qaybtiisa sare waxa saarran garaa’id fara badan, laakiin nooma ay suurta gelin inaanu furno khamanka hoose ee markabka, waayo lama furi karo ilaa loo isticmaalo wiishashka iyo qalabka yaal dekedda Berbera”.

Sida ay warar hore oo markabkaa ku saabsani tibaaxeen waxa la sheegay in markabkaasi ka yimi dalka Shiinaha, isla markaana uu u rarnaa dalka Jarmalka, sidoo kale waxa sida ay wararku sheegeen markabkaa saarnaa ilaa 30 shaqaale ah ah oo Hindi u badan, laakiin wasiirka kaluumaysiga oo la waydiiyey cidda leh markabkaa waxa uu ku jawaabay “Ma garanayo wadan leh markabkaa, waayo kuma aanu arag wax calan ah iyo wax astaan kale ah oo muujinaya meesha markabkaa laga leeyahay ee belaayadaa la inagu soo tuuray”. “Wax rinji ah iyo wax calan u eg toona kumaany arag bahalka”ayuu intaa ku daray wasiirku.

 

Sidoo kale wasiirku waxa uu yidhi “Ma garan karno meel uu ka yimi iyo meel uu ku socdey, waayo cidna dushiisa uguma aanu tegin, Log buugiisiina maanu helin, ilayn maraakiibtu waxay leedahay Log buug lagu garto ama sheegaya markabku meesha uu ka yimi iyo meesha uu ka socdo”. Laakiin wasiirka mar la waydiiyey sida ay hadda arintaa markabkaa ka yeelayaan waxa uu yidhi “Walaahay anigu hadda taa kama jawaabi karo ee dawladda ayey u taal sida laga yeelayo, laakiin warbixintiisa ayaan so gud-binayaa”.

 

 Ilaa 7 KM meel u jirta xeebta Lug-haya ayuu markabkaasi taagan yahay, waxaana la aaminsan yahay inuu xambaarsan yahay alaabooyin, laakiin waxa jira shaki ku saabsan cidda uu markabkaasi u rarnaa, taas oo ay dadka qaar uga shakisan yihiin inuu markabkaasi u rarnaa kooxaha maafiyada ee wax kootarabaaniya.

 

 

Shirka Kenya: Tafaraaruqa Hadheeyay iyo Talada U Go’an IGAD iyo reer Galbeedka

 

 

Nayroobi (Haatuf): Iyadoo ay maalin qudhi ka hadhay ammintii loo qorsheeyey inuu qabsoomo shir-beeleedka loogu yeedhay shirka dib-uheshiisiinta Somaliya, taas oo uu ku talo-galku ahaa inuu 15-ka Oktoobar (Saadambe) ka dhaco degmada El-doret oo ku taal duleedka Nayroobi ayaa hadana waxa soo shaac-baxay tafaraaruq iyo kala qaybsanaan xoog leh oo isku ged-fay qaban-qaabada shirkaa, waxayna taasi ka dambaysay markii uu si weyn u muuqday dareen lagu diidan yahay shirkaa iyo niyad-jab ka muuqday hogaamiye-kooxeedyada iyo madax-dhaqameedyada loo qorsheeyey inay shirkaa ka qayb galaan, iyadoo ay diidmadaa iyo niyad-jabkaasi ka dhashay saluug ay dhinacyadu saluugeen nidaamka qaban-qaabada shirka iyo sida loo qorsheeyey saami-qaybsiga ergooyinka.

 

Toddobaadkii ina dhaafay ayey qaar ka mid ah hogaamiye-kooxeedyada Muqdisho soo saareen go’aan wada jir ah oo ay ku qaadaceen ka qayb-galka shirka Kenya, waxaana hogaamiye-kooxeedyadaa ka mid ah: Cismaan Caato, Suudi yalaxow, Maxamed Qanyare Af-rax, Mawliid Macaane, Cumar finish iyo qaar kale. Sidoo kale hogaamiyayaasha qaybsan ee maamul-goboleedka la magac baxay Koonfur-galbeed Somaliya ayey qaarkood ku dhawaaqeen inay qaadacayaan shirkaa, Shaati Guduud, madaxweynaha maamul-goboleedkaa oo iminka hogaamiya garabada qaybsan ee maamul-goboleedka Raxan-weyn ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu qaadacayo shirkaa.  Waxa kale oo, iyaguna ku biiray diidmada shirkaa hogaamiye-dhaqameedyo ka soo kala jeeda gobolada Jubooyinka iyo shabeelooyinka ee koonfurta Somaliya, kuwaas oo markii hore ku talo-galkoodu ahaa inay ka qayb galaan shirkaa.Sababaha ugu waaweyn keenay diidmada xiliga dambe timi waxay dhalatay, ka dib markii uu soo shaac-baxay liiska kama dambaysta ah ee saami-qaybsiga ergooyinka loo qorsheeyey inay ka qayb galaan shirka degmada El-doret ee dalka Kenya, taas oo ay qaar hogaamiye-dhaqameedyadaa ka mid ahi qawadeen saamiga laga siiyey beeshooda, halka ay hogaamiye-kooxeedyada shirka diidayna saluugeen gebi ahaanba hanaanka wax qaybsiga iyo nidaamka qaban-qaabada ee wax loo wado, arimahaasina waxay u muuqdaan kuwo sababaya inuu shirku dib u dhaco. Hase yeeshee qaban-qaabiyayaasha shirka oo ah wakiilo ka socda urur-goboleedka IGAD ayaa sheegay inaan wax hal maalin ka badan dib loo dhigi karin furitaanka shirka, taas oo ay sheegeen inuu shirku furmi doono maalinta Arbacada ee 16-ka Oktoobar, waxayna hawl-wadeenada shirka maamulaya ee urur-goboleedka IGAD hadalkaa yidhaahdeen, iyaga oo aan dadka shirka qaadacay wax jawaab ah ka siin tabashadooda shirka la xidhiidha, waxaana la sheegay inay xafladda furitaanka shirkaa ka qayb geli doonaan dhammaan madaxweynayaasha dalalka ku jira urur-goboleedka bariga Afrika ee IGAD, kuwaas oo kala ah: Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan, Janaral, Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Ereteriya, Asayas Afawargi, madaxweynaha Uganda, Yuweri Musafeni, madaxweynaha Kenya, Danial Arab Moi iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, Males Senawi, laakiin waxa shirka furaya madaxweynaha Kenya, Mr. Moi. 

Inkasta oo ay dhinacyo iyo kooxo markii hore shirka ogaa hadda dib uga maageen, hadana maamulka C/qaasin Salaad ee loo yaqaan kooxda Carta oo ay diidmadii u horaysay ee shirkaasi ka soo yeedhay ayaa hadda bedeley mawqifkoodii hore, ka dib markii ay doraad ku dhawaaqeen inay ka qayb gelayaan shirkaa.

 

Warar xog-ogaal ah oo ka soo baxay qaban-qaabiyayaasha shirka ayaa tibaaxay inay guddiga qaban-qaabadu shirku samaysteen qorshe hoosaad ay kaga kaaftoomi karaan cidii ama kooxdii shirka qaadacda, taas oo ay wararku tilmaameen inay magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya ugu diyaarsan yihiin dad kayd ah oo loogu talo galay inay buuxiyaan boosaska ay ka maqnaadaan cidii markii hore loogu talo galay.

Wararka shirkaa la xidhiidhaa waxa kale oo ay tibaaxeen inuu jiro qorshe hoosaad ay hoosta ka sii xariiqeen guddiga qaban-qaabada shirku, kaas oo ku talo galku yahay in shirkaa lagu dhiso dawlad sal-balaadhan oo uu ku talo galku yahay inay bedesho dawladda C/qaasin ee loo yaqaan kooxda Carta ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay inay car-qaladda ugu weyn ee shika hortaagnayd ahayd maamulka C/qaasin.

 

Shirkaas oo loo qorsheeyey inuu socdo ugu yaraan saddex toddobaad waxa lagu tilmaamay inuu yahay shir daba furan, taas oo la sheegay inaanay talada ka soo baxdaan noqonayn tii kama dambaysta ahayd ee lagu soo af-jarayey qorshaha dib-u heshiisiinta Somaliya, taas oo macneheedu yahay in shirka ka dib ay sii socon doonaan talooyin iyo qorsheyaal laga daba geynayo qoddobada hordhaca ah ee ka shirkaa soo baxay, taas oo ay ku macneeyeen in la gaadho qorshe kama dambays ah oo dib u heshiisiinta Somaliya ah. Hase yeeshee dhinaca kalena guddiga urur-goboleedka IGAD ee shirka qaban-qaabinaysa iyo dawladaha reer Galbeedka ee shirka maal-gelinaya waxa ka go’an in wax sansaan dawladeed ah dib looga unko dalka Somaliya si bay yidhaahdeen looga ilaaliyo inuu hoy u noqdo argixisada caalamiga ah, laakiin hadana marka la eego sansaanta waqtigan xaadirka ka muuqata shirkaa iyo duruufaha mugga leh ee ku ged-fan qaban-qaabadiisa waxay dad badan ugu muuqataa inay adag tahay ka midhalintiisu.

 

Ta kale inkasta oo ay tahay markii u horaysay ee ay dawladaha reer Galbeedku shirarka noocaas ah ka gaar yeelaan Somaliland, hadana guddiga ururka IGAD ee qaban-qaabada shirka gacanta ku haysa kama soo bixin wax hadal ah oo rasmi ah oo ay ku cadaynayaan mawqifkooda ku wajahan ka soocnaanta shirka ee Somaliland.  

               

“Somaliland Waxan Ka Dareemay Nabadgelyo Ka Wanaagsan Ta Magaalooyinka Waaweyn Ee Yurub & Maraykanka”

 

 

Birgitte Dodgson ardayad ka mid ah ardaydii reer Noorway Ee Booqashada Ku Yimid Somaliland

 

 

Hargeysa (SL-Times) koox dhalinyaro ah oo u dhashay Norway oo Booqday meelo kala duwan oo Somaliland ah ayaa shalay ka ambabaxay Somaliland. Kooxdan oo ahayd arday reer Norway ah oo isugu jiray 2 hablood iyo saddex inan, waxay Somaliland yimaadeen horaantii bishii hore si ay aqoon korodhsi uga sameeyaan, hab nololeedka bulshada reer Somaliland. Ardaydan waxa ka taageeray safarkooda Jaamacadda Oslo University ee dalka Norway, wuxuuna qaatay 35 maalmood oo ay socdaalo ku kala bixiyeen magaalooyinka Somaliland ee Ceerigaabo, Burco, Sheekh, Hargeysa, Boorama, iyo Allay-baday iyo meelo kale. Ardaydan oo ku jira sanadkoodii labaad ee barashada cilmiga bulshada, Social Sceince waxay Wargeyska Somaliland Times u sheegeen maalintii jimcihii inay la kulmeen boqolaal qof oo reer Somaliland ah intii ay joogeen iyagoo arrintaa ka hadlayana waxay yidhaahdeen “meel walba oo aanu tagno dadku waxay ahaayeen, Saaxiibadayo, si diirana way noo soo dhaweynayee, iyo gacan qabasho”, sidaas waxa yidhi Raghild Bruun oo ka mid ahayd ardaydaa reer Norway.

 

BirgitteBirgitte Dodgson oo ahayd ardayad ka mida 5ta arday ee Reer Norway ee booqashadii iyo daraasadii ay ku mareen Somaliland dhamaystay shalayna u ambabaxay dalkooda ayaa iyadoo ka waramaysaa nabadgelyada ay ku aragtay Somaliland tidhi “waxaan dareemayay nabadgelyo aan u socon karo Somaliland oo ka wanaagsan ta magaalooyinka waaweyn oo ku yaal Yurub iyo Maraykanka” ardayda reer Norway waxay intaa raaciyeen in ay dadka ku nool Norway, Yurub iyo meelo kale oo dunida ahi ay reer Somaliland raaciyaan Soomaaliyada kale, sababtuna ay tahay in ayna aqoon farqi u dhaxeeya iyo in Somaliland ay tahay meel nabad lagu nool yahay. Norway waxaa ku nool ilaa (8000) oo qof oo soomaali shan kun oo ka mida ah ayaa degen Caasimada dalkaas ee Oslo.

 

 

Kutubta ka hadlaysa Usama Binu Laden oo

qiime sare lagaga iibsado Yurub iyo Maraykanka

 

 

AFP — Waxa mudooyinkan dambe si is daba joog ah uga soo baxayey dalalka Yurub iyo Maraykanka kutub ka hadlaysa taariikhda hogaamiyaha ururka islaamiga ah ee Alqaacida, Usama Binu Laden, taas oo soo jiidatay dadweynaha ku dhaqan dalalkaa, waxayna taasi keentay inay qiime sare ku iibsadaan kutubtaa.

Waxa kale oo kutubtaa lagu soo bandhigaa carwooyinka lagu qabtaa dalalkaa, taas oo keentay inay dadweynaha dalalkaasi si xad dhaaf uga soo qayb galaan carwooyinka lagu soo bandhigo kutubta ka hadlaysa Usama Bin laden.

 

Carwada sannadlaha ah ee dhowaan ka dhici doonta magaalada Frunkfort ee dalka Jarmalka ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo doono kutub cusub oo ka hadlaysa hogaamiyaha Alqaacida Usama Bin Laden, taasina waxay keentay in ka qayb galka carwadaa si weyn loogu diyaar garoobo.

Xiisaha loo hayo wax ka ogaanshaha shakhsiyadda Usama Bin laden waxay sii korodhay tan iyo markii ay dhaceen weeraradii 11Sabtembar, 2001 lagu qaaday daarihii Mataanaha ee xarunta ganacsiga adduunka ee magaalada Newyork, halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 3000 oo qof , falkaana waxay dawladda Maraykanku ku eedaysay inuu ka dambeeyey hogaamiyaha Alqaacida, Usama Bin Laden.

 

 

Xil-Wareejinta Maayorka Cusub Ee Gebilay Iyo Xisaabaadkii Hore Ee Daynta

 

 

Hargeysa (Haatuf): Maayarka Cusub ee degmada Gebilay, Abiib Xasan Fil-fil ayaa shalay xilka kala wareegay maayarkii hore ee degmadaa, Xasan X. Yuusuf Rooble, waxaana xafladii xil-wareejinta oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta dawladda hoose goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha, C/raxmaan Maxamed Cajeb, iyadoo ay dhinaca kalena xafladdaa ka soo qayb galeen shaqaalaha dawladda hoose iyo dad badan oo hogaamiyayaasha bulshada reer Gebilay ah.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, maayarkii xilka laga qaaday, Xasan X, Yuusuf ayaa ugu horayn halkaa ka jeediyey hadal dheer oo uu kaga waramayo waxyaalihii uu qabtay mudadii uu xilka hayey iyo dhibaatooyinkii la soo gud-boonaaday “Waxaanu wax ka qabanay madaarka Kalabaydh, waxaanu samaynay saddex kawaan”ayuu yidhi Xasan, laakiin waxa uu tilmaamay waxyaalo badan oo uu ka qabtay degaamada kala duwan ee degmada mudadii uu xilka hayey.

 

“Boodhka gelingalool (Ceel-berdaale) koley idinka ayaa xagga abtinimada igaga dhow’e hadii aad tidhaahdaan ka taga way ka tegayaane, ka taga dheha”ayuu yidhi maayarkii shaqada laga eryey, isaga oo la hadlaya maayarka cusub, meesha la yidhaahdo Gelingalool waa meel ka mid ah degaamada galbeedku ee muranku ka taagan yahay.

Maayarka cusub ayaa isna munaasibadaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Anigu xilka ayuun baan ka bedelay Xasan Xaaji, xilkuna waa meerto, waxaan ballan-qaadayaa inaan marna xafiiska la iga waayin oo aynu wada shaqayno, taladiinana aan qaato, idinkana waxaan idinka codsanayaa inaad ila shaqaysaan”.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga, C/raxmaana Maxamed Cajeb ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Munaasibad kastaa erey bixin bay leedahay ee munaasibaddani waa munaasibadii xilka lagaga qaaday Xasan Xaaji, looguna wareejiyey Abiib Xasan”. “Hawli socon mayso hadii aan masuulka gacan la siin, isna waa inuu rabitaanka dadka ka duulo”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiligu.

 

Munaasibaddii xil-wareejinta waxa ka soo qayb galay dad fara badan oo dayn malaayiin ah ku leh dawladda hoose ee Gebilay, kuwaas oo ay qaarkood dayn ku lahaayeen maayarka hadda xilka laga qaaday, halka qaarkoodna dayn ku lahaayeen maayaradii ka sii horeeyey, sidaa darteed dadkaas oo ay wejiyadooda cadho ka muuqatay ayey qaar badan oo ka mid ahi u holladeen inay madashaa ka hadlaan, laakiin Daa’uud Khayre oo ka mid ah maayaradii hore ee Gebilay ayaa hab-haabtay makarafoonka si uu meesha uga hadlo, iyadoo ay dhinaca kalena dad badan oo kale u kuur-kuursadeen inay cod-baahiyaha ku soo dhowaadaan si ay, iyaguna meesha uga hadlaan,  laakiin waa loo diiday, taasina waxay keentay inuu buuq iyo sawaxan madashii ka aloosmo oo la isla oogsado ilaa ay sheekadu gaadhay inay dadka qaar caytamaan, qaar kalena ay miisaska iyo kuraasta garaacaan, hase yeeshee markii uu buuqaasi bilaabmay ayey boolisku feejignaan dheeraad ah oo ay amaanka ku adkaynayaan galeen, laakiim agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga ayaa ku tiraabay in hadalka loo ogol yahay laba oday oo keliya, intaa ka dibna shirkii waa la xidhay, balse buuqu wuu sii socdey, wuxuuna buuqaasi mar kale ka sii cusboonaaday xarunta dawladda hoose horteeda, halkaas ay xataa gacanta isula tageen nin xidhiidhiye ka ahaa khudbadihii shirka ka socdey iyo nin kale, taas oo buuqa sii siyaadisay, laakiin booliska ayaa labada nin ee is laayeen xabsiga u taxaabay.

 

Ka hor intii aan la gudo gelin xafladii xilwareejinta ayey qaar ka tirsan ganacsatada daynta ku leh dawladda hoose la hadleen agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha, C/raxmaan Maxamed Cajeb, iyaga oo ka codsaday in daynta malaayiinta gaadhaysa ee ay ku leeyihiin dawladda hoose lagu daro xil-wareejinta, isla markaana waxooda la siiyo, laakiin agaasimaha guud oo uu weriyaha Haatuf xil-wareejintii ka dib waydiiyey sida ay dawladdu ka yeelayso dayntaa ayaa sheegay in maayarada hore looga mamnuucay daynta, laakiin dadka daynta leh had-ba sidii loogu helo loo siin doono, wuxuuse intaa ku daray in daynta lagu leeyahay maayarka hadda xilka wareejiyey (Xasan Xaaji), isaga loo soo diri doono guddi gaar ah iyo hanti-dhawr baadha.

 

 

Dil-Dilaacii Dhiigga Iyo Kacaankii Dergiga

 

Buug Cusub Oo Ka Hadlaya Taariikhdii Kacaankii Mingise 1974-1991

 

 

Waa buug cusub oo laga qoray sooyaalkii taariikheed ee Mingistu Hayle Mariam (Madaxweynihii Itoobiya ka talinayey 1974—1991-kii”, wuxuuna buugaasi si faah-faahsan uga waramyaa inqilaabkii uu Mingistu ku qabsaday dalka Itoobiya, sidii uu ku bilaabmay haasaasihii Inqilaabka Mingistu iyo sidii ay maalintii Inqilaabka wax u dhaceen iyo weliba dabeecadihii Mingistu, Sidoo kale waxa uu buugaasi ka waramayaa hirdinkii dhumucda lahaa ee dhexmaray dawladihii xiliyada qaarkood gobolka ugu xoogga weynaa ee Somaliya iyo Itoobiya ee ay kala hogaaminayeen Siyaad Barre iyo Mingistu Hayle Mariam iyo weliba sidii ay ciidamadii Mingistu u jebiyeen ciidamadii Somaliya ee uu dagaalka weyni dhex-maray sannadkii 1977-kii, isla markaana waxa uu buuggu daah-furaya xaaladihii siyaasadeed ee xiligaa ku ged-fanaa mandaqadda bariga Afrika iyo weliba sidii ay markii dambe taliskii Mingistu uga guulaysteen jab-hadihii talada ka tuuray.

 

Buugaas oo aad u xiisa badan waxa qortay gabadha magaceeda la yidhaahdo Ahadu Samure oo ay dhalashadeedu tahay Itoobiyaan, waxayna gabadhaasi soo ururisay sooyaalkii taariikheed ee Mingistu Hayle Mariam iyo waxyaalihii dhacay ayaamihii geerida ee Inqilaabkiisa iyo saraakiishii uu ku gawracay hawl-galkii Inqilaabkiisa, iyadoo dhinaca kalena gabadhaasi waraysiyo la yeelatay ilaa 90 saraakiil sarsare ah (Kornaylo iyo Janaraalo) oo ka waramaya mid waliba wixii uu Mingistu ka yaqaanay ama ka ogaa arimihiisa.

 

Buugaas oo ku qoran afka Am-haariga waxa uu wargeyska Haatuf helay nuqul ka mid ah, ka dibna waxaanu idiinku soo turjunay af-Somali, iyadoo uu turjumidda buugaa ku faro-yaraystay,Muuse Maxamed Muuse, Buugaaasina waxa uu xambaarsan yahay macluumaad iyo dhacdooyin xiisa leh oo la xidhiidha ayaamihii Mingistu iyo falgaladii siyaasadeed ee xiligaa sida dhumucda leh uga socday guud ahaan gobolka bariga Afrika, gaar ahaana dalweynihii Itoobiya ee Mingistu Hayle Mariam ka talinayey mudada toddoba iyo tobanka sannadood gaadhaysa, laakiin ereyo kooban kuma soo koobi karno macluumadka dhumucda iyo xiisaha leh ee uu buugaasi xambaarsan yahay, waxaad-se kaga boggan karaysaa saf-xadaha wargeyska Haatuf oo laga bilaabo berito aanu idiinku soo gud-bin doono qaybtii ugu horaysay ee buugaa, iyadoo aanu si is dabajoog ah idiinku soo gud-bin doono cadad kasta (Maalmaha Axadda, Isniinta, Salaasada, Arbacada iyo Jimcaha), sidaa darteed akhriste si fiican ula soco oo yaanay kaa kala ged-man dhacdooyinka iyo sheekooyinka xiisaha leh ee uu buugaasi xambaarsan yahay, iyadoo uu qoraalka buugaasi ka kooban yahay qaybo iyo qormooyin kala duwan, iskuna xidhan, kuwaas oo adiga oo aan Madaxa qaadin ay midiba mid kuu dhiibayso.

 

M/xigeenka Somaliland Oo Booqday Suuqa Gobonimo

 

 

Harg (Haatuf):- Madaxweyne xigeenka Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. C/laahi Cumar Cige, maayorka magaalada Hargeysa, Md. Axmed Maxamed Maxamuud, mayor xigeenka koowaad Ibraahim Axmed, ayaa waxa uu fuary xaflad lagu bilaabayo dhisme cusub oo laga bilaabayo suuqa Gobonimo, xafladdaas oo uu daray malqaacaddii (majarafaddii) u horraysay ee sibidhka ahayd iyo dhagaxii u horreeyay oo dhex dhigay hog yar oo ka qodnaa halkaa. Intaa kadibna waxaa uu ka jeediyay khudbad gaaban, waxaanu yidhi madaxweyne xigeenku; “Bismillaahi Raxmaani Raxiim, horta waa Ilaahay mahaddii mar haddii uu inaga dhammaaday Bacadlihii iyo hawshiisii, iminkana waxaynu bilaabaynaa dadka danyarta ah oo keliye, dadkaasi oo ay ka mid yihiin sida khudradlayda iyo maxaysatada yar-yar ee suuqaa. Dhismaha maanta la bilaabayaana waxaa uu ka koobnaan doonaa 6-8 hangar oo dhaadheer, waxaanuna ugu talo-galay oo la siinayaa uun dadkii deggenaa oo keliya. Ma jirayso wax dul-socoda oo la soo dejinayaa halkan. Waxaanu ku rajo-weynahay in ay caddaalad u dhacayso tani oo muran ka iman doonin,” Intaa kadib waxaa sacab iyo mashxarad isku raaciyay dumarkii khudradlayda ahayd.

 

Muslimiinta Adduunka Oo Cadho Ka Muujiyey Baaderi Maraykan Ah Oo Af-Lagaadeeyey Nebi Maxame (N.N.K.H.)

 

 

Newyork (W. Wararka): Muslimiinta adduunka ayaa cadho xoog leh ka muujiyey aflagaado ka soo yeedhay baaderi Maraykan ah oo magaciisa la yidhaahdo Jery Fal-wel, ka dib markii uu baaderigaasi uu Nebi Maxamed (N. N. K. H.) ku tilmaamay inuu ahaa argagixiso, sidaana waxa uu baaderigaasi ku sheegay waraysi uu siiyey telefishinka CBS ee dalka Maraykanka toddobaadkii hore.

 

Hadalka aflagaadada ah ee ka soo yeedhay baaderiga reer Maraykan ayaa keentay inay muslimiinta Maraykanku kaga jawaabaan mudaharaad ay ka sameeyeen gudaha dalka Maraykanka, iyadoo ay dalka Maraykanka ku nool yihiin ilaa lix malyuun oo muslimiin ahi, waxayna mudaharaadkaa ku muujiyeen sida ay u diidan yihiin aflagaadada uu ninka baaderiga ahi u geystay Nebi Maxamed (N. N. K. H.)iyo diinta islaamka.

 

Waxa kale oo hadalka aflagaadada ah ee baaderiga jawaab kulul ka bixiyey gudoomiyaha golaha loo yaqaan golaha cilaaqaadka muslimiinta Maraykanka, Ibraahin Xuubar, wuxuuna gudoomiyuhu hadalka baaderigaa ka soo yeedhay ku tilmaamay mid meel ka dhac weyn ku ah dadka muslimiinta ah, isla markaana waxa uu maamulka Maraykanka ugu baaqay inay ninkaa baaderiga ah talaabo ka qaadaan.Sidoo kale waxa arintan jawaab ka bixiyey wasiirka arimaha debedda ee dalka Iiraan, Kamaal Kharaaji, taas oo uu wasiirku hadalka baaderigaa ka soo yeedhay ku tilmamay inuu qayb ka yahay ololaha iyo dacaayadaha ka dhanka ah islaamka ee ay faafinayaan wakaaladaha wararka ee Maraykanka iyo Sah-yuuniyaddu.

 

Ra’iisal-wasaaraha dalka Maleesiya, Maxaadir Maxamed ayaa isna canbaareeyey baaderigaa, kuna tilmaamay nin u badheedhay been ka sheegista Rasuulka iyo diinta islaamka.

Hayad islaamiya oo ka dhisan dalka Maraykanka ayaa, iyaguna sheegay inaan afka laga xidhan hadalada aan loo dul-qaadan karin ee ka soo yeedhay baaderigaa, isla markaana ku baaqay in talaabada ku haboon laga qaado.

 

 

Axsaabta Mucaaradka Pakistan Oo Tiro Aan La Filayn Ka Helay Kuraasta Baarlamaanka

 

 

Islamabad (W.Wararka): Axsaabta taageersan madaxweynaha dalka Bakistan, Jenaral Musharaf ayaa aqlabiyad ka helay kuraasida baarlamaanka, ka dib markii ay doorashooyin ka dhaceen dalka Bakistan Jimcihii doraad, doorashooyinkaa oo ah kuwii ugu horeeyey ee ka dhaca Bakistan tan iyo markii uu Inqilaabka Milateri ka dhacay dalkaa saddex sannadood ka hor.

Axsaabta ka soo horjeeda taageerada uu madaxweyne Musharaf siinayo ololaha uu Maraykanku ka wado dalka Afganistan ayaa, iyaguna helay aqlabiyad aan laga filayn, iyaga oo noqday isbahaysi xoog ku leh baarlamaanka.

 

Xisbiga PPP ee ay hogaamiso haweenayda Banazir Butto ayaa galay kaalinta labaad ee doorashooyinka kuraasta baarlamaanka, taas oo marka la isku daro mucaaradka ka dhigaysa aqlabiyad xoog leh.

 

Tirada kuraasta baarlamaanka dalka Bakistan oo ka kooban 272 kursi ayey asxaabta taageersan madaxweyne Musharaf ka heleen 77 kursi, sidoo kale xisbiga PPP ayaa isna helay 63 kursi, halka axsaabta lagu magacaabo axsaabta diiniga ah ka heleen 45 kursi.

Xisbiga uu hogaamiyo ra’iisal-wasaarihii la afgembiyey, Nawaash Shariif ayaa isna helay 14 kursi. Hase yeeshee waxa jira eedaymo ku saabsan wax is-dhaaf-dhaafin la sheegay inay ka dhacday doorashada, taas oo ay Axsaabta mucaaradku ku eedaynayaan dawladda. Laakiin dawladdu waxay dhinaceeda ku adkaysanaysaa inay doorashadaasi u dhacday si xalaal ah.

 

 

Sheeko Taxane Ah: Quruxdeedaa Sababtay Qalalaasaha Nolosheeda

Q:14aad

 

 

Najiib iyo aabihii Cali Madhaafaan waxay isla jaan-gooyeen hawlihii aqalkareer Najiib. Cawo Raabi (Najiib hooyadii), inta badan waxay hoos iyo korba u guntanayd sidii uu arooska iyo aqalgalka inankeedu u noqon lahaa mid qurux badan oo qanciya Luul iyo qoyskooda, qaraabada kale, asxaabta iyo dhammaan inta ka soo qaybgeli doonta.

Dhinaca Luul iyo reer Goohe qudhoodu si weyn ayay uga qayb-qaadanayeen qurxinta iyo agaasinka wanaagsan ee loogu sii diyaar-garoobayo in qoys gaar u deggen ay noqdaan Najiib iyo Luul.

 

Xaaji Cali Madhaafaan ayaa Cawo Raabi si hoose ugu yara sheegay in mar haddii ay Luul hooyadeed ku filan tahay arrimo badan oo ay weliba u soo diyaarisay Luul hooyadeed laba hablood oo kal-kaalin doona hawlaha guriga in reer Xaaji Cali Madhaafaan ay inta badan qoyska reer Najiib salaan iyo booqashooyin ay isku koobto Cawo Raabi ayuu talo ahaan ugu soo jeediyay Xaaji Cali, iyada oo markaa ay wada joogaan saddexdoodii is dhalay; Cali Madhaafaan, Najiib iyo hooyadii.

Maalmahan, Xaaji Cali Madhaafaan wuxuu talooyin qiimaha dhismaha qoyska iyo sida laga doonayo inuu Najiib uu u noqdo mas’uul aan sal-fududaan, gacan fududaan, hadal fududaan, go’aan fududaan, inuu noqdo ayuu in badan Xaaji Cali Madhaafaan gawska ku adkeeyay, si uu uga dhaadhiciyo mas’uuliyadda raggu inay tahay tiir muhiim ah oo uu dulqaadkiisu qayb weyn ka noqon doono dhismaha qoyskiisa.

 

Luul, maalmahan waxay aad u dhegaysataa sheeko cajalad ku duuban oo ah codkii Axmed Jiinis. Sheekadu waa “Hadal-qaadka jacaylka hadmaa kuugu horraysay?” heesaha dhextaalka ah, qisada macaan, iyo muusiga heesaha ku jira sheekadaa ayaa ah wehelka ugu dambeeya ee Luul oo habeenkii markay sii seexanayso ay dhigato rikoodhka barkimada sariirta ay ku seexato, mararka qaar Quman Sugaal oo ah hooyadeed ayaa markay gama’do Luul bakhtiisa rikoodhka.

Luul waxay is weydiisay bal in uu dareensan yahay Najiib inuu jacaylkiisu Luul tin iyo cidhib-ba ku dhan yahay, si ay arrintaas u dareensiiso Najiib waxay ka codsatay inay isu raacaan Berbera oo ay doonayso inay soo aragto Bartalaale (Beertii jacaylkii Cilmi Boodhari iyo Hodan Badde – Berbera). Najiibna wuu oggolaaday inay subaxa hore ee Jimcaad ay is raacaan, si ay u soo laba goor noqon karaan.

 

Najiib Berbera wuxuu rumaystay inay tahay meel u san arrimahiisa, sidii uu uga dhacay kulankii isaga iyo Mooge Asraar ee suurtogaliyay in uu ku guulaysto guursiga Luul. Amuun inay raacayso ayay Luul ku wargelisay Najiib, isna wuxuu u sheegay in saaxiibkii Jaamac Irbad uu soo raaci doono. Najiib wuxuu u doortay Jaamac Irbad sabab ah Jaamac oo u jan-jeedha dhinaca guurka oo Najiibna aad ugu hambalyeeyay, maadaama ay kalahayeen Amuun habeenkaas waxay la seexatay guriga reer Goohe, halka uu Jaamac Irbadna habeenkaas uu la joogay Najiib.

Waa markii ugu horraysay ee ay Najiib iyo Luul safar wada-galaan subaxaa Jimce ayay Hargeisa uga baqooleen dhinaca Berbera. Najiib wuxuu is baray saaxiibkii Jaamac, Luul iyo Amuun.

Najiib habeenimadii ayuu sii diyaariyay sharaab, biyo iyo shidaal wixii ay maalin-jooga ku tegayaan Berbera ee uu u baahnaa.

 

Intii ay dhexda sii socdeen ayuu Jaamac Irbad kaftan iyo sheeko la wadaagay Amuun isaga oo dusha ka yara hafay bal inay iyana la mid tahay Luul oo ay diyaar u tahay Guur, laakiin Amuun waxay u sheegtay Jaamac in dadku iyaga oo saaxiibo ah haddanay yeelan karaan barnaamijyo kala duwan. Sidaas daraadeed, waxay u sheegtay Jaamac inuu yahay guurku arrin loo soo bandhigo inan ka ugu wanaagsan, laakiin xilligan iyo waqti dhow toona aanay Amuun u diyaar ahayn hawlahaas, waxayna u tibaaxday hiyigeeda waxbarasho ee ila heer jaamacadeed.

Inkasta oo ay jawaabtaa siisay Amuun, haddana maalintaa waxay muujisay Amuun inay ku raaligeliso Jaamac xagga sheekada iyo kaftan-wadaaga, si aanu qalo u dareemin marka ay sida gaarka ah sheekada isula heleen Najiib iyo Luul.

 

Jaamac wuxuu maalintaa aad ugu fududeeyay saaxiibkii Najiib sawiro qurux badan oo ay Najiib iyo Luul si wada-jir ah ugu galaan Bartalaale, Badda Berbera, meelo kale oo qurux badan oo ku yaalay waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa. Dhinaca badda may dabbaalan Najiib, Luul, Amuun iyo Jaamac ee daawasho iyo dalxiis ayay arrintoodu ahayd.

 

Daawasho, dalxiis, kalluunka macaan ee Berbera, neecowda qabow ee intii ay sii socdeen iyo soo socodkoodii, booqashada Bartalaale, sawiradii ay wada-galeen, waqtigii dheeraa ee ay wada joogeen Najiib iyo Luul, dhammaan isku darka arrimahaasi waxay buuxiyeen ujeedadii Luul ee ahayd in ay dareensiiso Najiib in lagu weyn yahay Luul oo ay jeceshahay ninkeeda Najiib.

Guud ahaan Jaamac iyo Amuun oo wehelinayay Luul iyo Najiib, waxay arrintu ula muuqatay inay Luul iyo Najiib wada qaadayaan heesta “Boqorku waa adi, bilantu waa ani, ballanku waa kii runta ahaayee.”

Intii ay ku jireen safarkaa, maadaama ay Amuun uga sheekaysay Jaamac Irbad hiyigeeda waxbarasho wuxuu ugu yeedhay kaftan ahaan Dr. Amuun, iyana iyada oo og halka uu ka socdo kaftankaasi waxay lahayd hee marka uu ugu yeedho Jaamac Irbad.

 

Markii ay safarkoodii soo dhammaysteen ee ay habeenimo soo galeen Hargeysa ayay Luul iyo Amuun ku degeen guriga reer Goohe, Jaamac Irbad ayaa ku nabadgelyeeyay habeen wanaagsan Luul iyo Drs Amuun, habeen wanaagsan ayayna ku jawaabeen Luul iyo Amuun oo waxoogaa qosol sii raacisay erayga Drs Amuun ee uu Jaamac raaciyay magaceeda awgii.

 

 

Dhalinyarada Doorashada iyo Shirbeeleed Midkee Bay Dani Ugu Jirtaa?

 

Sida aynu wada ogsoonahay umad waliba ama qowmiyad waliba waxay leedahay, jiil ama dhalinyaro, taas oo ah ama noqotay, madaxdii, waxgaradkii, aqoonyahankii barito, markaa waxa loo baahan yahay daruuriya in laga warhayo dhibaatada iyo faa’iidadooda, sii mid waliba oo ka mida bulshaweynta dhalinyaradu uu u noqdo, mid faa’iido leh ama faa’iido darro leh si hadhaw loo garto ama loo fahmo. Ka mustaqbalka  leh iyo kan aan lahayn. Waxaan sidaa u leeyahay oo igu kalifaya, waa arrin iska cad oo la iska fahmayo, waxaana tusaale inoogu filan, madaxdan maanta ina hogaaminaysa iyo aqoonyahankan iyo waxgaradkan, maanta ina horfadhiya, oo dhammaantood ah jiilkii inaga horeeyay ama jiilashii ka waynaa, haddaynu nahay dhalinyar maantana Inkasta oo aynu inagu ka nasiib badanahay iyaga, oo aynu inagu nahay dhalinyaro haysata Dhul, Waxbarasho, Caafimaad, Dawlad, Sharci, meeqa kasta ha lahaadeene, waayo inaga jiilkii inaga horeeyay, waxay soo mareen dhibaatooyin farabadan hadday tahay mid dagaal iyo mid dabiiciyanba dalkan aynu maanta ku raaxaysanayno ay iyagaa kala soo baxay ama kala soo dabaashay, meelo aad u qalafsan taana haddaynu nahay dhalintan maanta waxaynu leenahay Hambalyo Ilaahayna waxaynu u baryaynaa intii dhimatay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, inta noolna waxaan Ilaahay uga baryaynaa nolol iyo cibaado san, oo ay ku badhaadhaan intay noolyihiin,. Markaa waxay su’aali ka taagantahay, iyagu waa kuwaas aynu ka soo sheekeynee, inagu maxaynu taariikhda ku sii kordhin doonaa? Ma iyaga oo kale ayaynu noqon mise waynu ka duwanaan doonaa? Su’aashaa idinkaan idiin dhaafayaa dhalin yaro. Haddaba aan ka baxno faaladan aynu ku yara raagnay oo aynu u degno ama jaleecno, nuxurka maqaalkani uu xambaarsan yahay, oo ah bal in aynu eegno doorka ay dhalinyaradu kaga jirto bulshadeena iyo bal waxa u dan ah inay yeelaan oo dani ugu jirto, dhalinyaradu waa cududa ugu xooga badan, uguna tirada badan, aadna waa u muhiim in ay arrimaha la socdaan lagama maarmo talaabo kasta oo la qaadanayona door aad u wayn ayay ka qaateen, marka waxa maanta inagu soo foole sidaynu la soconana doorashooyin, sikastaba ha ahaadeene inaynu la soconana waa wax aad u wacan, waxaynu aragnay in urur kasta marka uu meelka hadlayo in uu hadalkiisa marka saddex meelood laga dhigo labo meelood ay kaga hadlaan dano-khuseeya dhalinta iyaga oo leh shaqooyin baanu u samaynaynaa ama abuuraynaa waxbarashadaanu ugu dedaalayna Iwm. Taasi waa siyaasadooda ay inagu kasbanayaan si aynu ugu hilawno, lagama yaabo in (haddii aynu mid wada raacno uu qabanayo, wixii uu ku balanqaaday taasina maaha wax inagu cusub ee waxa lagu yaqaan guud ahaan qaaradan Afrika, Haddaba maanta doorashada inagu soo dhawe itaalkaystay leedahay ee inay dhici iyo inaanay dhacayn Ilaahaybaana inaga og oo taasi wakhtigeeda ayay leedahay, ta kale waxa doorashada barbar socda arrin aynu ku soo caano iyo nabad maalnay, taas oo ah waxa loo yaqaan (Shirbeeleed) oo dadka marka aad tidhaahdo, ninyaw doorashadu maxay ladhkii la daahayee kolba laga kordhinayo ay kugu jawaabaan ma doorashada dhacaysa miyaad hurudaan waar waa mashruuc hantida dadweynaha lagu cuno ee dadku sidii horuu bay yeelayaan dhinaciina uu qabsada oo hurdada ka toosa Haddaba haddaynu nahay dhalinyarada doorashada iyo shirbeeleed mid midkay tahay dani inoogu jirtaa.

C/Raxmaan Axmed xuseen hargeysa

 

 

Daynta Lagu leeyahay D.Hoose Ee Gabilay Dawladu Waddo Ha u Samayso

 

maamulka Degmada Gebilay laga bedelayaa daynkii ay dadweynaha masaakiinta reer Gebilay ku lahaayeen ee uu xilka kula wareegay, oo uu diiday inuu bixiyo. Taasi oo aanu boqolaal jeer ka baahinay saxaafadda Somaliland dhawaana aanu qoraal u gudbinay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo socdaal ku yimid Gebilay ayaa waxaanu Xukuumadda.

Caasha Baar Gebilay

 

 

Raadiyowga Ha Lagu Magacaabo  Codka Somaliland

Qalabka warbaahinta Qaranka ee loo yaqaan (Raadiyow Hargeysa “Raadiyowga codka Somaliland.

Sababta kaliya ee kalifaysa in raadiyow Hargeysa magaca laga beddelo waxay la xidhiidhaa inay yeelato summad ay qaranimo ka muuqato ama ay ka dhandhamayso.

Idaacadda ka haddasha Addis Ababa looguma yeedho magaalada ay ku taalo ee waxay leedahay magac qaran oo ah (Raadiyow Itoobiya) sidoo kale idaacaddaha Caalamku waxay leeyihiin magacyo ay ka muuqdaan qaranimo sida Idaacadda Codka Maraykanka (Voice of America) ama “VOA” shirkada warbaahinta ee Ingiriiska “British Broadcasting cooperation” ama “BBC” idaacadda Faransiiska Caalamiga ah “France international” ama “France-Inter”.

Sidaa awgeed, idaacadda ku taal caasimada Somaliland Hargeysa  waa raadiyow qaran oo mutaystay inuu yeesho magaca “Raadiyowga codka Somaliland” (Vioce of Somaliland) ama “VOS”.

Hase yeeshee qaramaynta idaacaddu kuma koobna magaca oo laga beddelo barnaamijyada laga baahiyo iyaguna u baahan in la qarameeyo.

Barnaamijka ka baxa idaacadda inuu maxali yahay “local” iyo inuu yahay heer qaran, ama heer caalami waxay ku xidhan tahay labada arrimood ee kala 1) tirada dhagaystayaasha barnaamijka “number of Audience” iyo 2) masaafada yoolka barnaamijka “Target area”

Si aynu u fahano labadaas arrimood ee lagu kala saaro barnaaijyada, waxay tusaale u soo qaadanaynaa barnaamijyada idaacadda ka baxa qaarkood

! barnaamijka Dalabaadka

barnaamijka dalabaadka ama I maqashii I madadaali waxa isku tahniyadeeya dadka ku nool Hargeysa gaar ahaan bulshada da’ yarta ee haweenka, tirada dhagaystaha ee barnaamijku xiisaha galiyo ama uu macnaha u sameeyo ilaa xad aad ayay u yar tahay. Dhinaca kale, masaafadda ay dhagaystayaasha barnaamijka dalabaadku ka badnayn saddex kiiloo oo laba jibaaran ah “KM3 ama qayb Hargeysa ka mid ah oo kaliya

2)barnaamijka Xogogaal

 barnaamijka xogogaal wuxuu ku jihaysan yahay dhagaystayaasha heer qaran iyo heer caalami ee aanay tiradoodu ka yarayn shan boqol oo kun isla markaana ku baahsan masaafada gobolada ee gobolada dalka oo dhan, gobolada ismaamulka ee Soomaalida Itoobiya, Soomaaliya, Gobolka Woqooyi Barri ee Kiiniya, iyo Jabuuti ama meelaha ay joogaan dadka afsoomaaliga ku hadlaa.

Sidaa awgeed, barnaamijka dalabaadka waa maxalli aan ku haboonayn in laga sii daayo idaacadda qaran waxa iyaguna la mid ah tacsida, baafinta, ogaysiiska, iyo qodobada warka qaarkood, sida “gaadhi mark2 ah oo Hargeysa ku qalibmay iyo qof baabuur jiidhay”

Hase yeeshee, barnaamijka xogogaal wuxuu ku jiraa barnaamijyada heer qaran iyo heer caalami, ee u baahan in si joogta ah tayadiisa sare loogu qaado, ama loo horumariyo. Waxa kale oo loo baahanyahay in la qarameeyo miyuusiga hordhaca u ah warka “news serin” iyo miyuusiyada barnaamijyada kale, si aanay Xamar uga dhandhamin. Waa in la yidhaa, hakani waa Raadiyowga codka Somaliland oo aad kala socotaan mawjadda Fm-ta dhex, hirarka gaagaaban, iyo mawjaddaha FM-ta Boorama, Burco, Berbera, Laas-caanood, iyo Ceerigaabo iyo qalabka Internetka ciwaankiisu uu yahay “Vos-com” dhinaca kale waa in magaalo madaxyada gobolada dalka lagu rakibaa qalabka mawjadaha FM-ta oo laga dhageysan karo idaacadda Qaranka ee ku taal caasimada Hargeysa.

C/Raxmaan Siciid Maxamed Hargeysa

Halista Cabista Sigaarku Uma Qurux Badna Sida Xayaysiintiisa

 

 

Waa sida adoo neefsanaya dab!!

Waa balkii buuriga Virginia, ha moogaan sigaar hebel, u qaado meel walba wehesho oo muudso dhadhanka sigaarka sigaar hebel, dhammaan ereyadaas iyo kuwo kale oo aad u tiro badan oo ay la socdaan sawiro aad u qurux badan ayaa lagu xayaysiiyaa buuriga la warshadeeyay oo loo yaqaan sigaar. Laakiin marka uu qofku laasimo cabistiisa cudurada halista ah ee uu sababaa sida kansarka, uma quruxbadna sida xayaysiiskaas ay u sameeyeen warshadihii soo saaray sigaarku, waana dhibaato caafimaad oo halis ah. Sigaarka waxa la tilmaamay in uu wanaaga lagaga hortagi karo dhibaatadiisu ay tahay adigoon cabin meesha lagu cabayna aan fadhiisan oo ka fogaada si aad caafimaadkaaga u ilaashato, halista barashada sigaarku waa mid loo baahan yahay, si ay u yaraato in ay kor u kacdo fursadaha cabistu waxaa lagama maarmaana in shuruucda ku cabista sigaarka ee goobaha guud ee dadku isugu yimaadaan in laga mamnuuco ku cabista sigaarka, si loo ilaaliyo caafimaadka dadka. Barashada si dhayalka ay dadka qaarkii ugu biiraan balwadda budhbudhinta sigaarku ma ah mid si dhibyar ay xal ugu heli karaan dhibaatadooda caafimaad ee uu keeno sida kansarka, cudurada sanbabada warbixinaha qaarkood oo ka hadlay sigaarka ayaa tilmaamay in baadhis lagu helay in sigaarku ka kooban yahay ilaa (1200) oo ah waxyaabaha sunta ah oo caafimaadka dadka aan u wanaagsanayn ama halis galiya.

Ma jirto faa’iido qeexan oo loo cabo sigaarka, laakiin waxaa bilowgii u soo baxay sigaarku ee dunida laga bilaabay isticmaalkiisa la odhan jiray, wuxuu keenaa ilaa hadda ma jirto sabab lagu qanco oo loo cabo sigaarka, laakiin waxaa cad oo si wayn wax looga qoray ilaa sigaarka qudhiisa laga qoray baakidhadiisa waxyeelada caafimaad ee uu sigaarku u leeyahay dadka.

 

 

Naas-nuujintu waa u nasteexo ubadka

 

 

Dadka ayaa inta badan u nugul xannuunada qaarkood ee dilaaga ah xilliyada uu dhasho iyo da’da weyn ee waayeelnimo.

Hab-dhaqankii hore ee ka horreeyay casriga wershadaysan ee dunida ayaa dhallaanku aad ugu tiirsanaayeen naas-nuujinta carruurta ee xilliyada hore ee da’dooda, taas oo uu ilmuhu ka helo nafaqo dheeli-tiran caanaha naaska hooyada.

Masaasad iyo caano loo sameeyay dhallaanka aadka u da’da yar ee dhasha ayaa keenay inay la soo dersaan cuduro keena geeri carruureed oo aad u tiro badan.

Baadhitaan caafimaad oo la sameeyay ayaa isugu soo biyo-shubtay si loo daryeelo caafimaadka carruurta da’da hore ee dhalashadooda inta aanay gaadhin ababista raashin cunista in ay caafimaadkooda u wanaagsan tahay, in ay jaqaan naaska hooyadood.

 

Dhinaca kale, masaasadaha isticmaalkooda iyo caanaha qaar hore la isugu dayay in la geliyo doorka caanaha dabiiciga ah ee uu ilmuhu uga baahan yahay jaqista naaska hooyadii ayaa noqday qaar aan tayo ahaan u buuxin Karin caanaha naaska hooyada.

Marka laga tago waddamada dunida saddexaad, waxaa si xoog ah ay naas-nuujintu hadda dib uga soo noolaanaysaa oo ay dumarkoodu si aad ah u bilaabeen naas-nuujinta, meelaha qaar waddanka Maraykanka si arrintan loo dhiiri-geliyo waxaa la sameeyay isu soo baxyo ballaadhan oo lagu dhiirigelinayo naas-nuujinta.

Dalka Ustaraaliya ayaa iyaguna haweenka ku nooli ay aad iyo aad si baahsan u bilaabeen naas-nuujinta carruurta.

 

Dhinaca kale, baadhis cilmiyeed hore loo sameeyay naas-nuujinta carruurta ku kortay iyo carruur lagu quudiyay masaasad ayaa laga dhex helay in kalgacaylka ubadka ay hooyadood jaqsiiso naaska ay u hayaan waalidkood uu yahay mid aad u wanaagsan marka la barbar dhigo daraasaddaas carruur caanaha lagu siiyay masaasado.

Arrintan awgeed ayaa aad xooga ay sannadahan dambe u saareen hay’adaha caafimaadka adduunka iyo kuwa daryaalka carruurtu sidii ay u dhiirigelin lahaayeen naas-nuujinta dhallaanka ee hooyooyinka adduunka, si looga hortago cuduro iyo dayac kale oo ku yimaada carruurta adduunka, sidaa si le’eg ayay habboon tahay in hooyooyinka reer Somaliland ay naas-nuujinta u arkaan tallaabo wanaagsan, caafimaadka iyo daryeelka ubadkooda.