Haatuf

 

Issue: 180_____________________________________Isniin, October 14, 2002

 

 

Badheedhaha wargeyska

Hirka Ololaha Siyaasadu Horumar iyo Hanfi Midkee Buu Keeni Doonaa

 

 

Xirsi Qandhadh waa muwaadin reer Somaliland ah oo ku nool Somaliland. Wuxuuna degenyahay Hargeysa, mudda labaatan sanadooda Xirsi Dhakow kamuu siin shaqo fiican. Oo wax ka qaban karta duruufihiisa nolosha. waxbarashadii ka dib hiigsi dhoof, hindise baayac-mushtar iyo heerar badan ayuu soo jibaaxay Xirsi, tani iyo 1991kii wuxuu rajo ka qabay in ay hirgalayso nidaam dawliya oo hoos u eegi doona shaqo la’aanta beerka dhulka u saartay in badan dadweynaha degen magaalooyinka iyo tuulooyinka Somaliland.

 

Xirsi Qandhadh waa magaalo ku kor aan si fiican u aqoon qoyskooda, haddii uu yaqaanana aad uguma dhiirana inuu aad ugu sheego baahiyihiisa, hoose sababtuna waxay tahay cabashooyin iyo codsiyo hore oo uu u gudbiyay qaar ka mida eheladiisa ayaa ku soo gebageboobay gacmo madhan, iyo waqti lumin, markii uu isku dayay bal inuu beeshooda dhexgalo si uu masuul qoyskooda ka soo jeeda bal inuu shaqo la baadi doono waxa ku sii kordhay dhibtii waxaa uu gaadhay heer nololeed oo aad uga sii hooseeya halkii uu taagnaa nolol ahaan markii uu ku talaabsaday in uu dhinaca ku dayo bal furdaamintiisa dhibaatada nololeed ee ku gaarmurtay, inta badan Xirsi wuxuuna fadhiistaa maqaaxida loo yaqaan Dulcad ee ku taala Barxada Baananka una dhaw fagaaraha kheyriyada ee Hargeysa markuu tobaneeyo sano dhagaysanayay khudbado laga jeediyo fagaarahaas oo qaar badani ay ka hadli jireen danaha khuseeya dadweynaha Somaliland ee Xirsi ka midka yahay ayaa doorkan Xirsi waxa uu ka mid yahay heeganka kheyriyada inta badan la kulma barnaamijyada ururada siyaasada ee Somaliland, haddii aanu Xirsi shaqo yar oo yoomiye ah uu mar mar helo mooyee aanu ka maqnayn, wuu ka qayb galaa dhagaysiga hadalada ololaha siyaasadaa ee laga soo jeediyo kheyriyada Hargeysa, mararka qaar Xirsi waxaa u sawiranta in uu run noqday haloosiga waxqabad ee ay siyaasiyiinta ururadu ka soo jeediyaan halkaas kheyriyada laabta ayaa qadar u yara qabowdo oo wuu yara nafisaa. Laakiin ka raali galintaasi waa mid qadar yar uun nasasho siisa Xirsi oo ay sugayaan ka dabaalashada baahiyaha nololeed ee maalintaas oo aan meel u ool, meelna aanu ku ogayn, in Xirsi badan ayuu ku khatalmay sheeko uu la wadaagay akhyaar ay iskugu yimaadeen fadhigiisa suuqa ee maqaaxida Dulcad, laakiin xili dambe markay ahayd qof walba oo kale wuxuu u dhaqaaqay meel uu ugu hagaago baahida aasaasiga ee maalintaas. Laakiin Xirsi bogaasi inta badan wuu ka madoobaa, naanaysta Qandhadh hore umuu lahayn Xirsi laakiin waxaa la soo daristay sanadahan uu deriska la noqday jeeb madhnaanta iyo kuwo camal la’aaneed.

 

Guud ahaan Xirsi wuxuu tusaale u yahay kumaamkun qof oo ay shaqo la’aan ku hayso magaalooyinka iyo tuulooyinka Somaliland, oo rajo ka sugaya horumar keena shaqo abuuris iyo furfuran dhaqaale oo wax ka qabta duruuftaa aynu xusnay iyo kuwa ka sii liidan kara oo ay leedahay shaqo la’aantu.

Ololahan hadda ay ururada siyaasada ee Somaliland ku gaalaa bixiyaan degaamada Somaliland waa mid laga filayo horumar leh hodontinimo wax ka qabta saboolnimada ama hanfi leefa danyarta Somaliland ee awalba duruuftoodu adkayd.

 

 

C/Qaasim Oo Lagu Eedaynayo Fadeexad Ballaadhan Oo Musuq-Maasuq

 

Lacagtaasi Waxay Ku Kashifantay Shir Ay Dawladaha Jaamacadda Carabtu Ku Yeesheen Qaahira

 

 

Muqdisho (Haatuf): Xubno ka tirsan maamulka iyo baarlamaanka dawladda loo yaqaan kooxda Carta ee C/qaasin madaxda ka yahay ayaa hogaamiyahooda C/qaasin Salaad Xasan ku eedeeyey inuu lunsaday lacag gaadhaysa ilaa hal milyan oo doolarka Maraykanka ah, lacagtaas oo la sheegay inay dawladda Suudaan ugu deeqday dawladda Carta.

 Sida ay tibaaxeen warar xo-ogaal ah oo laga soo xigtay war-bixino dhowaan laga jeediyey fadhi ay magaalada Qaahir ee caasimadda Masaarida ku yeeheen ururka Jaamacadda Carabtu waxa lacagta la sheegay inuu C/qaasin lunsaday ay hadal haynteedu ka soo dhex baxday kulankaa.

Ra’iisal-wasaaraha maamulka C/qaasin, Xasan Abshir Faarax ayaa la sheegay inuu fadhigaa ka jeediyey hadal dheer oo uu ku dhaliilayo ururka jaamacadda Carabta, taas oo uu xukuumadaha dalalka Carabta, marka laga reebo wadamo dhawr ah si ba’an ugaga cawday inay ka warwareegayaan inay bixiyaan saamiga ka qabtay lacag gaadhaysa $450 Milyan oo doolar oo ay shir ay dawladaha Carabtu hore ugu yeesheen magaalada Bayruut ee caasimadda Lubnaan ku go’aansadeen inay Carabtu ugu deeqda maamulka C/qaasin, laakiin aanay xukuumadaha Carabtu taa ilaa hadda ka jawaabin, iyadoo uu Xasan Abshir sheegay inay arintaa ka jawaabeen Liibiya iyo Sucuudiga oo qudhi.

 

Shirka ay dalalka Carabtu ku yeesheen oo hadda laga joogo dhawr bilood waxa lagu dejiyey shax tilmaamaysa saamiga dawlad kasta oo Carbeed kaga soo hagaagay qaadhaanka lacagtaa, iyadoo lacagta inteeda badan la saaray dalalka Khaliijka ee saliidda hodanka ku ah. Hase yeeshee fadhigii u dambeeyey oo ay dalalka jaamacadda Carabtu ku yeesheen Qaahira ayuu Xasan Abshir inay wax ka soo gaadheen labada dawladood ee Liibiya iyo Sucuudiga oo qudha, laakiin intii aanu kalfadhigaasi gudo gelin fallanqaynta cabashada ka soo yeedhay Xasan Abshir ayaa waxa mar qudha si lama filaan ah hadalka u qaatay wakiilka dalka Suudaan u fadhiya xarunta jaamacadda Carabta, wuxuuna sheegay inay dawladiisu Somaliya siisay hal milyan oo doolar, lacagtaasna uu madaxweynaha Suudaan, Xasan Al-Bashiir gudoonsiiyey C/qaasin Salaad Xasan booqashadiisii u dambaysay ee uu ku tago dalka Suudaan, iyadoo uu wakiilka Suudaan ee halkaa ka hadlay intaa raaciyey in hadii xaaladda dhaqaale ee dalkiisu ay ka roonaan lahayd sida uu hadda yahay ay bixin lahaayeen hanti intaa ka badan. Hase yeeshee weftiga Xasan Abshir ayaa shirka dhexdiisa ka sheegay inaanay lacagtaasi gacantooda soo gelin, taasina waxay keentay in markii ay weftiga Xasan Abshir Muqdisho dib ugu laabteen la iswaydiiyey lacagtaa, laakiin uu C/qaasin qirtay inay lacagtaasi gacantiisa soo gashay, wuxuuse ku andacooday inuu ku bixiyey daymo hore oo lagaga lahaa hawlo uu ku tilmaamay inuu Qaranka u qabtay, isla markaana waxa uu C/qaasin ku hanjebey inuu is casili doono hadii arintaa la sii wad-wado. Balse sida ay sheegeen warar xog-ogaal ah oo ka soo yeedhay dhinaca Muqdisho waxay soo if-baxa sheekadaasi si degdeg ah isugu bedeshay dood iyo faaqidaad ay qaadaadhigaan xubnaha ku jira maamulka C/qaasin iyo dadka ku dhowdhow maamulkiisa ee Muqdisho jooga, waxayna dadkaasi isla dhexmareen inuu C/qaasin lacagtaa farta ka saaray haweenay uu qabo oo qaxootinimo ku degan dalka Britain, waxaana la sheegay inay gabadha C/qaasin London dhowaan magaalada London ka baayacday guri bangalo ah oo ay doonaysay inay iibsato, laakiin ay taasi u suurta geli wayday, ka dib markii ay is hortaageen saraakiil ka tirsan maamulka Britain iibka gurigaa.

 

Xubno ka tirsan maamulka iyo baarlamaanka C/qaasin ayaa arintaa ku tilmaamay fadeexad Qaranka laga galay, sidaa darteedna aanay u dul-qaadanayn, waxayna xubnahaasi ku ballan-qaadeen in hadii uu hogaamiyahooda, C/qaasin Salaad sharciga u hogaansami waayo ay iska casili doonaan xilalka ay ka hayaan dawladiisa..

Fadeexadani ma aha tii u horaysay ee lagu sheego xubnaha sarsare ee dawladda kooxda Carta, laakiin waxa marar hore oo dhawr ah soo if baxay warar sheegaya inay xubno ka tirsan maamulka sare ee C/qaasin ay lunsadeen lacago deeqo ah oo gacantooda soo galay, lacagahaas oo ay intooda badani ka yimaadeen dhinaca dawladaha Carabta oo aanay dhaqan inay xisaab celin ku xidhaan lacagaha ay ku deeqaan ama ay mariyaan hab lagu xisaabin ama lagu ogaan karo meesha ay lacagtaasi ku baxday, laakiin ay sidii shilimo sooryo ah qof lugaynaya gacanta u geliyaan. 

 

 

 

 

“Weftiga Waanu Waydiinay Inay Wax Siyaasad Ah U Socdaan,… Hawshii Nabadayntuna Way Dhadhaweyd

 

Garaad Abshir Oo Hadda Ku Sugan Hargeysa

 

 

Hargeysa (Haatuf): Garaad Abshir Saalax oo hadda socdaal ku jooga magaalada Hargeysa oo uu yimi dhawr maalmood ka hor, isaga oo ka soo kicitimay magaalada Laas-caanood oo u fadhigiisu yahay ayaa sheegay inay gebogebo ku dhawdahay hawshii nabadaynta ee ay halkaa ka wadeen ergada reer Somaliland ee socdaalka ku jooga gobolka Sool, xaruntiisa Laas-caanood. Laakiin garaadku waxa uu intaa ku daray inaanay dadka gobolka la soo qaadin ama kala hadlin wax dhaafsiisan hawlaha nabadgelyo ee ay hadda ku dhex-jiraan.

 

Garaad Abshir oo uu weriye Haatuf ka tirsani shalay kula kulmay hudheelka uu degan yahay ee Hargeysa Club, waxna ka waydiiyey xaaladda gobolka Sool, waxa uu ugu horayn yidhi “Gobolka hadda waa lagu fiicnaa, laakiin hore waxa uga dhacay dhibaatooyin oo dilal baa ka dhacay, hadase nabadgelyadu way fiican tahay”. Laakiin Garaad Abshir mar la waydiiyey weftiga isku dhafka ah ee isugu jira, Salaadiint, xubno Guurtida ah, duqay iyo xubno siyaasiyiin ah, halka ay marinayeen hawlihii nabadaynta iyo xal u helidda dilalkii dhexmaray qaar ka tirsan beelaha gobolkaa waxa uu yidhi “Arimihii nabadgelyadu way dhodhowaayeen, labadii qolo ee hore la isu horfadhiisiyey mooyaane, labadii qolo ee kalena, iyadoo loo ballansan yahay in maalmahaa la isa soo horfadhiisiyo ayaan ka imi, wayna fiicnayd xaaladdu”. Hase yeeshee Garaadku, isaga oo tilmaamaya ergadaasi bal waxa ay ka qabteen arimaha nabadgelyada ee ay ku dhexjiraan iyo sida gobolka looga soo dhoweeyey waxa uu yidhi “Runtii waxyaalo badan oo dhinaca nabadgelyada ah ayey qolyahaasi wax nagala qabteen, gobolkana si fiican baa loogu soo dhoweeyey”.

 

Weftiga reer Somaliland ee ku sugan gobolka Sool oo magaalada Hargeysa ka baqoolay bishii hore ee Sabtembar waxay warar ambabaxooda la xidhiidhay tibaaxeen in inkasta oo ay hawlo nabadgelyo gobolka ka bilaabeen, hadana uu qorshahooda kama dambaysta ahi yahay inay hogaamiyayaasha reer Sool kala hadli doonaan arimo siyaasadeed, laakiin Garaad Abshir oo la waydiiyey bal waxa ay weftigaasi ugu horayn ula yimaadeen iyo inay ilaa hadda si dad-ban iyo si toos ah nidna ugala hadleen arimo siyaasadeed wuxuu yidhi “Qoladaasi markii ay noo yimaadeen waxay nagu yidhaahdeen dhinaca nabadgelyada ayaanu wax idinkala qabanaynaa, laakiin wax siyaasad ah weli nagalama ay hadlin”, laakiin waxa uu garaadku intaa raaciyey “Weliba waanu qod-qodnay oo waxaanu ku nidhi maxaad u socoteen, laakiin waxay yidhaahdeen ilaa aanu arimaha nabadgelyada dhamayno wax siyaasad ah ka hadli mayno”.

 

Dhinaca kalena Garaad Abshir oo aanu waydiinay ujeedada socdaalkiisa Hargeysa waxa uu ku tilmaamay inuu la xidhiidho hawlo shakhsiya, taas oo uu sheegay inuu u socdey arimo caafimaad oo ku saabsan qoyskiisa (Xaaskiisa & dad kale oo ehliyadiisa dhow ah), inkasta oo dhinaca kalena socdaalka garaadka ee Hargeysa laga urinayo inaanu ka madhnayn raad siyaasadeed.

 

 

Booqashadii Marwo Huda Ee Xaraf, Su’aashii Ciise Maxamuud iyo jawaabtii UDUB

 

 

Hargeysa (Haatuf): Galbeedka Hargeysa deegaanka beeralayda ah ee xaraf ayaa shalay ahayd goob ay ka socdeen soo dhaweyn aad u agaasiman, khudbado, ciyaaro, hidaha iyo dhaqanka, gabayo iyo casuumad ballaadhan oo lagu agaasimay geed baaxad leh oo xariira kuna yaalay beeraha waraabka ee dooxa xaraf.

 

Soo dhaweynta dadweynaha ku nool deegaanka xaraf ee shalay waxay ka danbaysay marti qaad ay xaraf ku marti qaadeen garabka haweenka ee ururka UDUB, marti sharaf ay hogaaminaysay marwo Huda Barkhad Aaden, marwada M/weynaha Somaliland oo ay waheliyeen masuuliyiin sar sare oo isugu jiray Wasiiro, mudanayaal iyo Madaxda ururka UDUB.

Intii uu socday marti qaadkaasi waxaa fadhiyada iyo khudbadaha la isku darsanayay soo jeedino, talooyin iyo mahad celin, Ciise Maxamed Caydiid, oo ahaa dadweynihii ka soo qayb galay kulankaas. Casuumadahaa ee ay ka dhacay Xaraf shalay ayaa su’aal weydiiyay Mudane Ismaaciil Mire oo ka tirsan gudiga fulinta ee ururka UDUB waxaanu ciise yidhi

“xaraf haddii ay maanta ugu rido UDUB oo aanu codkayaga idin siino, maxaad u qabanaysaan, magaaladan, aadbay u dhibantahay,?”

mudane Ismaaciil Mire oo ka jawaabayay su’aashaas ayaa yidhi “magaca UDUB oo ururka Dimuqraadiga umadaha bohowday, sida uu sheegayo waxa weeyi in ummaddu ku bahowdo wax wada qabadka iyo in marba meel la dhiso oo loo dhaqaaqo, waxaan soo jeedinaynaa, anigoo maanta bahweyntii UDUB ah xafladan Xarafna joogna, waxaan soo jeedin lahaa aan maanta ka bilowno sidii ay Xaraf u dhismi lahayd, inaga oo si iska wax u qabso ku dhisayna, waxaan leenahay aynu masaajidka ugu horeysiino, oo iskuulka ku xijino, oo aynu dhakhtarka ku xijisiino, waxan ku bilaabaya anigu shaqsiyan Ismaaciil Mire ah in aan ku deeqay (20) kartoon oo sibidh ah, si aynu ugu bilowno dhismaha masaajidka”

 

Arrintaasi waxay keentay inuu bilowdo liis deeqa oo ka kooban sibidh, jiingado, nuurad, oo la isku qoray deeq ahaan, loogu talo galay dhismaha masaajidka Xaraf af-hayeen u hadlay marwada madaxweynaha Marwo Huda X. Barkhad ayaa isna halkaa ka sheegay in baahida masaajidka dhismihiisa wixii ka soo hadha qadhaankaas ay marwo Huda ku deeqday dhamaystirka masaajidkan.

Ismaaciil Aden Cismaan oo deegaan ahaan ka soo jeeda Xaraf, horena u qabtay jagada Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland oo ay ereyo isweydaarsanayeen siyaasiyiin ka tirsan UDUB oo casuumadaas ka soo qayb gashay ayuu yidhi “xisbiyo badan ayuu ingiriisku leeyahay, xisbiga Libaralka ayaan muddo afartan sano ah ku guulaysan waayay doorashooyinka, markaa ninkan cusub ayaa loo dhiibay “Tony Blair” wuxuu la baxay Liberalka cusub, markaa anaguna UDUBka cusub ayaanu nahay, oo guushana UDUB ayaa leh.

 

Hadal kooban oo ay marwo Huda Barkhad Aaden ka soo jeedisay kulankaas Xaraf ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Muwaadin wal oo reer Somaliland ahi uu ka hawlgalo kaalinta kaga Aadan waxqabadka Qaranka Somaliland iyo in loo midoobo dhammaan shacabka Somaliland adkaynta nabadgelyada

 

Xafiiska KULMIYE oo Qaadacay guddi doorashooyin oo laga magacaabay Berbera

 

 

Berbera (Haatuf): Urur-siyaasadeedka KULMIYE ayaa qaadacay guddi doorashooyin oo laga magacaabay Berbera, isla markaana guddiga doorashooyinka qaranka ku eedeeyey inay magacaabidda guddigaa u maamuleen si sharciga baal-marsan, sidaana waxa uu ururka KULMIYE ku sheegay war-saxaafadeed uu doraad ka soo saaray xafiiskiisa Berbera.

War-saxaafadeedka oo ay ku saxeexnaayeen shan xubnood oo ka mid ah masuuliyiinta ururka KULMIYE, waxay guddiga la magacaabay ku tilmaameen, kuwa aan ummadda dhex u noqon karin oo dhinac ah, waxayna xubnaha KULMIYE ee warsaxaafadeedkaa saxeexay kala yihiin  laba xubnood oo ka tirsan golaha dhexe, kalana ah: Xasan Cali Cigaal iyo Aadan Siciid Cabdile iyo saddexda xubnood ee kale oo kala ah: Maxamuud Cumar Nuur, gudoomiyaha xafiiska Berbera, Maxamuud Xuseen Gahayr oo isna ah gudoomiye-xigeenka xafiiska Berbera iyo Aadan C/kariim X. Yuusuf oo ah xoghayaha xafiiska Berbera.

 

War-saxaafadeedkaa oo uu isgaadhsiinta Faakiska (Faxi) noogu soo diray weriyaha Haatuf ee Berbera, Maxamed X. Daahir waxa uu u qornaa sidan:

“Hadii aanu nahay ururka KULMIYE, xafiiskiisa gobolka Saaxil-Berbera, waxaanu halkan ku cadaynaynaa in weftiga guddiga doorashooyinka ee Berbera yimi 9-kii bishan aanay wax la tashi ah la yeellan xisbiyada kala ah: KULMIYE, UCID, HORMOOD, ILAYS, ASAD iyo BIRSOL, laakiin keliya ay la tashadeen maamulka gobolka iyo xisbiga UDUB ee Berbera, iyadoo ay guddigaasi isla 11-kii bishan ku dhawaaqeen sagaal xubnood oo isugu jira guddiga doorashooyinka heer gobol iyo heer degmo ee Berbera, laakiin xubnahaa dhammaantood waxay ka tirsan yihiin xisbiga UDUB ee Berbera. Isla markaana markii aanu ka hadalay arintaas oo aan sharciga waafaqsanayn waa naloo joojin waayey, taas oo ay weftiga guddiga doorashooyinku diideen inaanu arintaa uga wada hadalo si sharciga waafaqsan. Madashana waxa ka maqnaa shan xisbi, sidaa darteed waxaanu u sheegaynaa xisbiyada ka furan Somaliland iyo dawladdaba inaanay weftiga guddiga doorashooyinka ee Berbera yimi ahayn kuwo ummadda u dhex ah. Waxa kale oo jirta inay been ka sheegeen xafiiska KULMIYE ee Berbera, taas oo ay anaga oo joogna yidhaahdeen wuu xidhnaa, laakiin ay hadana mar kale qirteen inaanay tegin xafiiskaa.

Hadaba anagu kuma aanu kalsoonin, namana khuseeyaan guddiga doorashada ee loo magacaabay gobolka Saaxil iyo degmada Berbera”ayey ku soo xidheen qoraalkooda.

 

 

Madaxda Cusub Ee Booliska Somaliland oo Xilkii la wareegay

 

 

Hargeysa (Haatuf): Taliyaha iyo taliye ku xigeenka cusub ee Ciidanka booliska C/qaadir Muuse Maxamed iyo Maxamed Shiil Dhidar ayaa maalintii shalay xilka kala wareegay taliyihii iyo taliye xigeenkii hore ee Ciidanka booliska Maxamed Sh Muxumed Warsame iyo Siciid Ismaaciil Cali.

 

Xafladan xil wareejinta ah oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee Ciidamada booliska waxa ka qayb galay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland C/laahi Cumar Cige, waxaana la isku waydaarsaday khudbado kala duwan, Wasiirka arrimaha gudaha oo khudbad ka jeediyay munaasibadaasi ayaa ka waramay doorka muhiimka ah ee ay ciidamada boolisku u leeyihiin Qaranka, si gaar ahna waxa uu wasiirku u xusay kaalinta ay boolisku ku leeyihiin doorashooyinka la filayo inay dhawaan dalka ka dhacaan oo uu sheegay in xil weyni ka saaran yahay si ay doorashooyinku ugu dhacaan xasilooni isaga oo intaa ku daray in Ciidamada booliska loo furi doono tababaro badan oo arrintaasi ku saabsan. Hadalo ay halkaasi ka soo jeediyeen madaxdii hore iyo kuwa cusub ee Ciidanka boolisku ayay kaga warameen shaqada Ciidanka booliska iyo xilka culus ee ay hayaan.

 

Xil wareejintani waxay ka dambaysay ka dib markii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland xilkii ka qaaday taliyihii iyo taliya xigeenkii hore ee Ciidanka booliska uuna badelkoodii u magacaabay Madaxda cusub ee haatan la wareegay taliska booliska.

 

 

“Somaliland Horumarka Waxa U Dheer Baanka Aduunka Oo Aan Deyn Ku Lahayn”

 

Shir Ka Dhacay Washington

 

Washington – (Haatuf): Shir uu soo qaban-qaabiyay ururka iskaashiga Saaxiibtinimo “Maraykanka iyo Somaliland” (American Somaliland Friendship Association), ayaa ka dhacay caasimadda Maraykanka ee Washington DC, horraantii bishan October.

Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne u dhashay Somaliland oo tiradoodu aad u badnayd, Diblomaasiyiin ka kala socday dalalka Maraykanka iyo Yurub, waxaana lagu qabtay Jaamacadda George Washington University oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn dalka Maraykanka.

 

Sacad Nuur oo ah Danjiraha u fadhiya Somaliland Maraykanka ayaa kulankaas ka soo jeediyay warbixin ku saabsan Somaliland iyo mawqifkeeda dawladnimo ee aan gor-gortanka lahayn.

Diblomaasiyiinta ka hadlay kulankaas ka dhacay Washington ee uu isku soo dubariday ururka saaxiibtinimada Maraykanka iyo Somaliland diblomaasiyiin ay ka mid yihiin David Shinn iyo Cabdiraxmaan Caabi Faarax oo labaduba ka hadlay qodobo dan u ah qadiyadda Somaliland.

 

David Shinn, wuxuu isagu ka hadlay sidii loo suurtogelin lahaa aqoonsiga Somaliland, Danjire Cabdiraxmaan Caabi Faarax, ayaa isagu hadalkii uu kulankaas ka jeediyay ku tilmaamay sida ay Somaliland ugu baahan tahay Idaacad laga dhegaysan karo dunida oo dhan, si dhawaaqa Somaliland dunida oo dhan looga maqlo.

Dr. Cismaan Sh. Axmed oo ka socday Baanka Adduunka oo ka hadlay shirkaa Washington ayaa sheegay in horumarka ay Somaliland gaadhay ay u dheer tahay in aanu Baanka Adduunku wax deyn ah ku lahayn Somaliland.

 

Waxaa kale oo ka mid ahaa hadallada uu diblomaasiga Maraykanka ah ee David Shinn ee taageera in caddaaladda la waafajiyo qadiyadda Somaliland uu u soo jeediyay dadka reer Somaliland inay sii kordhiyaan horumarka ay muujiyeene. Sidoo kale, la dagaalanka cudurka AIDS-ka iyo waxyeelada cunista qaadka ayaa ka mid ahaa tilmaamihii David Shinn ee shacbiga reer Somaliland.

Danjire C/raxiim Caabi Faarax oo shirkaas isagu uga soo kicitimay magaalada New York ayaa ka warramay taariikhdii Somaliland ee ilaa 1930-kii.

 

Warkani wuxuu intaa ku daray in ugu dambayntii ay madaxdii iyo qaban-qaabiyeyaashii kulankaasi ay ka hadleen dheerigelinta kulanadan oo kale.

Kulankaas habeenimadii Sabti ee 4-tii bishan October ka dhacay jaamacadda George Washington ee xarunta Maraykanka Waxaa soo agaasimay ururka Saaxiibtinimada Somaliland iyo Maraykanka.

 

 

“Ma Haboona In Madaxda Qaranka Saxaafadda Lagu Ceebeeyo”

Isuduwayaasha W.Dh.C ee Gobolada

 

Hargeysa (Haatuf): Isuduwayaasha Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolada Togdheer, Sanaag, Saaxil, iyo Awdal ayaa na soo gaadhsiiyay qoraal ay jawaab kaga bixinayaan war ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya maalintii shalay oo qaar ka mid ah ciyaartoyga gobolka Sool oo sheegay inuu Wasiirka ciyaaruhu ku yidhi “Somaliland kuma jirtaan ee dawladihiina Puntland iyo Kooxda carta u taga” iyagoo intaa ku daray in ciyaartoygii gobolada kale la hagaajiyay balse iyaga aan la siin wax ku filan. Qoraal ay ku saxeexanyihiin isuduwayaashaasi oo kale ah Jamaal Cismaan Saleebaan isuduwaha G/Togdheer, Muuse Saalax Cismaan G/Sanaag, Shaafici Jaamac Aaden G/Saaxil, iyo C/Wahaab Yuusuf Ibraahim G/Awdal oo ay ku beeninayaan cabashada ciyaartoyga G/Sool waxa uu u qornaa sidan:

 

“anagoo tixraacayna maqaalkii cabashada ahaa ee ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii 1842, soona baxay 13/10/02, kaasoo ku saabsan cabasho ciyaartoyga Sool u soo jeediyeen Wasaaradda dhalinta iyo ciyaaraha ayna si gaar ah ugu weerareen Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland. Iyadoo sida qoraalkooda ku cad sheegay in Wasiirku ku yidhi Sool kuma jirto Somaliland ee Puntland iyo Carta u taga. Waa siday hadalka u dhigeene, Haddaba anagoo ah masuuliyiinta Dh/Isboortiga ee Gobolada JSL waxaanu si aad ah uga xunahay eedaymaha noocaas ah ee loo soo jeediyay Wasiirka iyo masuuliyiinta W/Dh/ciyaaraha, taasoo aan sal iyo raad toona lahayn. Balse maamuus xumo iyo sharaf darro ku ah masuuliyiinta Qaranka, waxaanu walaalahayo u sheegaynaa in markii ay Goboladu yimaadeen caasimadda Hargeysa dhammaantood si isku mida loo soo dhaweeyay isla markaana si sharaf leh loo sagootiyay si caddaalad iyo xaqsoor ah.

Taas oo haddii aanu nahay masuuliyiinta W. Dh. C. ee Gobolada J.S.L aanu goob joog ka ahayn xafladii soo dhaweynta iyo sagootinta waxaanu u aragnaa in baaqyada noocan oo kale ahi ay sii kala fogaynayaan midaynta iyo isdhexgalka dhalinyara weynta J.S.L waxaanu ogsoonyahay in Gobolka Sool uu ahaa Gobolka kali ah ee Wasiirku soo dhaweeyay soo gelitaankoodii meel u dhaw Berbera kana soo gelbiyay haddii aanu nahay masuuliyiinta Goboladana kamaanu filayn Sool inay Wasiirka ugu abaal gudaan dhaleecaynta qaawan ee noocan oo kale ah. Balse waxay ahayd haddii ay wax tabanayaan inay si sharaf leh iyo ixtiraam leh ugala hadlaan, Wasiirka iyo masuuliyiinta kale Wasaaradda sidoo kale gobolka Sool waa gobol ka mida gobolada Somaliland oo leh taariikh facweyn. Isla markaana Shacbiga reer sool waa dad dhaqan iyo dhiigba la wadaaga Shacbiga Somaliland oo aan la dafiri karin. Ugu dambayntii waxaanu halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeedinaynaa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha, Mr. Maxamed Faarax Maxamuud iyo masuuliyiinta kale ee W.DH.C, sidii quruxda badnayd ee ay u soo agaasimeen tartankii koowaad ee ciyaaraha gobolada jamhuuriyada Somaliland, taasoo ka marag kacaysa nabadgelyada, iyo degenaashaha ka jira geyiga Somaliland. Waxaa kale oo halkan amaan iyo bogaadin uga soo jeedinaynaa masuuliyiinta gobolada iyo dhammaan ciyaartoydii ka qayb galay tartanka. Waxa kale oo xusid mudan, ganacsatada hormoodka u ahayd dhiiri gelinta iyo taakulaynta tartanka. Sida shirkadda Dahabshiil, iyo suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa”

 

 

Xarun Kaydka Daawooyinka Ah Oo Laga Furay Caynabo

 

Caynabo (Haatuf): Hay’adaha Care International iyo VETAID ayaa maalgeliyay dhisme laba qol ka kooban oo laga dhisay degmada Caynabo oo noqon doona kaydka daawooyinka xoolaha ee degmada Caynabo. Dhismahaas oo noqon doona Farmasi daawada xoolaha ah oo ay maamusho wasaarada Xannaanada Xoolaha ee Somaliland.

Weriye Liibaan Maaweel Shire oo ka soo warramayay xafladdii furitaanka dhismahaas oo shalay ka dhacday degmada Caynabo, iyada oo uu xadhiga ka jaray dhismahaas wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Somaliland, Saleebaan Cali Koore.

Werkani wuxuu intaa ku daray in 24 qof tabobar loogu xidhay halkaas, kuwaas oo ka kala yimid tuulooyinka degmada Caynaba.

Weriye Liibaan Maaweel Shire, waxaa kale oo uu sheegay in dhismahaas lagu wareejiyay wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Somaliland.

 

Saleebaan Cali Koore, wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ka hadlayay kulanka ay isugu yimaadeen maamulka degmada Caynabo iyo dadweynaha deggan Caynabo ayaa soo jeediyay kor-u-qaadista caafimaadka xoolaha iyo caafimaadka dadkaba iyo sidii loo gaadhsiin lahaa daawooyinka.

 

Degmada Caynabo waxay ka mid tahay degmooyinka Somaliland ee degaankoodu hodanka ku yahay xoolaha nool ee la dhaqdo.

 

 

Hogaamiyayaasha KULMIYE Oo Booqday Cadaadlay

 

Cadaadley (Haatuf): Wefti ka tirsan urur-siyaasadeedka KULMIYE oo uu hogaaminayo gudoomiyaha ururkaa, Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayna ka mid yihiin xubno ka tirsan golaha dhexe iyo guddiga fulinta ururkaa ayaa shalay booqday degmada Cadaadley oo ka tirsan gobolka Hargeysa, kuna taal koonfur-bari ee Hargeysa, waxayna hogaamiyayaasha KULMIYE halkaa ka jeediyeen khud-bado ay kaga waramayaan ujeedooyinka iyo barnaamijka siyaasadeed ee ururkooda, iyadoo uu socdaalkooda Cadaadley qayb ka yahay ololaha siyaasadeed ee ay ku doonayaan inay kaga qayb galaan tartanka doorashada madaxtinimada ee la filayo inay dalka ka dhacdo.

Sida uu ku waramay weriye Haatuf ka tirsan oo goobta tegay waxa weftiga KULMIYE ku soo dhoweeyey Cadaadley madaxda maamulka degmada oo uu hogaaminayo Maayarka magaaladaasi iyo taageerayaasha ururkaa, waxayna reer Cadaadley weftiga KULMIYE ku qaabileen geed weyn oo hadhac ah hoostiisa, halkaana waxa dadkii isugu soo baxay khudbad uga jeediyey gudoomiyaha KULMIYE, Axmed-Siilaanyo, isaga oo dadka reer Cadaadley uga waramay waxa ay yihiin doorashooyinku iyo macnaha hanaanka xisbiyada badan iyo weliba qiimaha ay dalka u yeellan doonaan. “Waa inaad nabadgelyada ilaalisaan si ay doorashadu u suurta gasho”ayuu yidhi, Axmed-Siilaanyo.

 

Gudoomiyaha KULMIYE waxa kale oo halkaa ka sheegay inay barnaamijka ururkooda ka mid tahay wax soo saarka khayraadka dabiiciga ah ee dalka ku duugganm isla markaana ay hogaamiyayaasha ururkoodu khibrad iyo waayo aragnimo aqooneed u leeyihiin agaasinka iyo kobcinta dhaqaalaha. Laakiin gudoomiyha KULMIYE, isaga oo ka hadlaya magaca ururkooda waxa uu xusay inay dadka qaar si xun u turjumeen magaca ururkooda, laakiin wuxuu yidhi “Ururkayagu waxa uu calaamadda la wadaaga qolooyin ay ka mid yihiin golaha Guurtida Somaliland iyo Astaanta Qaranka Somaliland, markaa waa yaabe kuwa yidhaahda Somali weyn buu inagu wadaa , waxaan leeyahay kuwaasina ma Somali weyn bay inagu wadaan, waxaanse leeyahay waxaas waxba kama jiraan, ma jirto cid aanu ka baqaynaa, hadii aanu tegayno mar hore ayaanu tegi lahayn, mana ihi nin ay waxaasi ka suurta gelayaan”.

 

Gudoomiyaha KULMIYE waxa kale oo halkaa kaga tiraabay ballanqaadyo badan oo wax qabad oo uu sheegay inay ururkiisa qorshaha ugu jirto inuu qabto hadii uu talada hogaaminta dalka ku guulaysto.

Waxa kale oo, iyaguna halkaa ka hadlay xubno ay ka mid yihiin: Daa’uud Maxamed Geelle, xoghayaha guud ee KULMIYE, Daa’uud Iid Dhinbiil, Yuusuf Ugaas iyo xubno kale. Sidoo kale waxa, iyaguna halkaa hadalo ka jeediyey qaar ka tirsan odayaasha degaanka iyo ururada haweenka iyo dhalinyarada ee degmada Cadaadley., ugu dambayna waxa uu gudoomiyaha KULMIYE, Axmed-Siilaanyo xadhiga ka jaray xafiis cusub oo uu ururka KULMIYE Cadaadley ka furtay, iyadoo ay weftiga KULMIYE isla shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabteen magaalada Hargeysa oo awel ka bixitimeen.

 

 

Baaderigi Af-Lagaadeeyay Nebi Maxamed Oo Cudur-Daar Ka Bixiyay

 

New York (W.Wararka) – Baaderiga u dhashay Maraykanka Jerry Farwell ayaa cudur-daar ka bixiyay aflagaadadii uu u geystay Nebi Muxamed N.N.K.H.A, oo uu ku tilmaamay argagixiso mar uu toddobaadkii hore weraysi la yeeshay Telefishanka C.B.S ee Maraykanka.

 

Baaderiga oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay inuu ka xun yahay raadaynta ay arrintani ku yeelatay dadka muslimiinta ah ee adduunka, isaga oo intaa ku daray inaanu arrintan ula jeedin inuu ku cambaareeyo muslimiinta toosan, balse uu ka hadlayay muslimiinta uu ku tilmaamay kuwa aan sharciga ku socon ama argagixisada.

Baaderiga hadalladan ka soo yeedhay cadho xoog leh ay ka keeneen muslimiinta adduunka, iyada oo ay mudaharaado lagaga soo horjeedaa ka dhaceen meelo badan oo Maraykanka iyo dalalka islaamkaba ka mid ah.

 

Waxa kale oo ka hadlay madax ka tirsan dalalka islaamka oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibedda ee Iiraan iyo Ra’iisal-wasaaraha Maleesiya. Sidoo kale waxa cambaareeyay wasiirka arrimaha dibedda ee Ingiriiska.

 

182 Qof oo Ku Dhintay Qaraxyo ka Dhacay Indoonisiya.

 

Jakarta (W. Wararka) Ugu yaraan 182 qof ayaa ku dhintay ilaa 132 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay habeen hore qaraxyo waaweyni ka dhaceen jasiirada Baali ee dalka Indoonisiya kuwaasoo ay badankoodu yihiin dad ajaanib ah oo ka yimid dalka Ustareeliya.

Qaraxan oo ka dhacay goob habeenkii lagu caweeyo oo ay ka buuxeen dad dalxiis ahi waxa la sheegay inuu sababay gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ku qarxay halkaasi isaga oo baabiiyay dhismaha meel Clubka ah ee lagu caweynayay.

Xiligaasi uu dhacay qaraxu oo ahayd 12kii habeenimo ee wakhtiga Indoonisiya waxa u sababay dhimashada dad aad u badan oo dal xiisayaal ahaa.

 

Dadka dhintay oo ay tiradoodu tahay 182 qof waxa la sheegay in 75% ay yihiin dad u dhashay Ustareeliya halka ay inta kalena isugu jiraan dad u dhashay dalalka Maraykanka Ingiriiska, Talyaaniga, iyo Jarmalka.

Haweenayda madaxweynaha ka ah Indoonisiya Migana Wati Sulcarno Buuti oo booqatay Jasiirada uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegtay inay tani tahay qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee waligii ka dhacay Indoonisiya Ciidamada amaanka ee Indoonisiya ayaa iyaguna bilaabay baadhitaan xoog leh oo ku saabsan wixii keenay qaraxan iyo cida masuulka ka ahba.

 

Dalal badan oo Caalamka ka tirsan ayaa si xoog leh u cambaareeyay qaraxan, dawladda Ustareeliya oo ay u dhasheen badi dadka dhintay ayaa dhacdadan ku tilmaantay mid fal argagixiso ah.

Waxa markiiba lagu talaabsaday hawlo gurmad ah oo lagu daad gureynayo dadka dhibaatadu ka soo gaadhay qaraxan, ka dhacay Indoonisiya.

 

 

 

Gacmo Wada Jir Bay Wax Ku Gooyaan Ceebayntu waa

 

Anagoo ah Gudoomiyaha guud iyo gudoomiye ku xigeenka iyo dhammaan afhayeenada gobolada oodhan. Ahna Muwaadiniin Somalilanders ah, jecelna diintooda dalkooga iyo horumarkagaba.

Waxaanu qoraalkaygan kaga jawaab celinaynaa koox ku hadashay magaca gobolka Sool. Maqaalkoodii ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya cadadkii No: 1842 maalintii axadii bishuna ahayd 13kii October.

Kaas oo ay ciwaan uga dhigeen Wasiirku wuxuu nagu yidhi Somaliland kuma jirtaan ee dawladihiina Puntland iyo Kooxda Carta u taga.

Arrintaasi wax sal leh oo ay leedahay ma jirto Haddaba anagu waxa aanu xogogaal u nahay sidii quruxda badnayd ee ay u qaabishay iskhaashatada gobonimo mida kale markii gobolka Sool soo gaadhay magaalo Madaxda Hargeysa Wasaaradda ciyaaruhu waxay u qaabishay si hagar la’aan ah, waxayna ka bixisay wasaaraddu dayn dhan 2,600,000 sh Somaliland. Waxay kale oo ay kala siinayeen yoomiye dhan 150,000S/l. isaga oo qorshaha wasaaraddu ahaa in kooxdii laga badiyay hore u ambabaxdo ayaa haddana jaanis u siiyay in ay sugaan gabgabada tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland taas oo muujinaysa sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyay. Sidoo kale waxa jirta in dhalinta qortay maqaalkaasi ay ka qayb galeen siminaar hay’adda  UNICEF u fidisay ciyaartoyga Somaliland ayna yihiin 4 inan oo matalayay gobolka Sool, markii ay qaateen gunadii siminaarka oo dhamayd $115 per head, ayay war aan sal iyo raad toona lahayn ku kaceen. Haddaba waxaanu u soo jeedinaynaa walaalahayo reer sool inay iska ilaaliyaan oo ayna xaqiiqda ka fogaan oo ay ka fiirsadaan waxyaalaha saxaafadda ku soo qorayaan oo ah waxyaabaha ay saxaafada ku qorayaan oo ah waxyaabaha kala qoqobay bulsha weynta Somaliland, gacmo wada jir bay wax ku gooyaan.

C/Xakiim Aadan Maxamed (Copra)

Aamiin X. Cige Aadan

Hargeysa

 

 

 

 

 

Kooxda Kubadda Cagta Ee Gobonimo oo Safar ciyaareed ku tagay Harta Sheekh

 

Hargeysa (Haatuf): Kooxda kubbadda cagta ee suuqa gobonimo ayaa maalintii arbacadii ee todobaadkii hore safar ciyaareed ku tagay magaalada harta sheekha ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyagoo halkaa kulamo ciyaareed la soo yeeshay kooxaha dawladda hoose ee harta sheekha iyo Kooxda maanraac, oo ka mid ah kooxaha ka dhisan harta sheekha.

 

Sida uu sheegay Gudoomiyaha Kooxda suuqa gobonimo C/Qaadir Xasan Guuleed oo xalay na soo gaadhsiiyay qoraal arrintan ku saabsan  ciyaarta hore ee ay la yeesheen Kooxda dawladda hoose ee harta sheekha waxay ku dhammaatay bar bar dhac.1-1 Ay labada kooxood keeneen. Ciyaarta labaad oo ay la yeesheen Kooxda Maanraac waxay ku dhammaatay 3-2 ay guushu ku raacday Kooxda gobonimo.

 

Ciyaaryahan oo aad u xiiso badanaa ka soo qayb galay daawashadooda dadweyne aad u fara badan ugu dambayna waxa waxa ay Kooxda gobonimo u mahad naqeen bahda Sportiga iyo maamulka harta sheekha sidii fiicnayd ee loogu soo dhaweeyay muddadii ay joogeen harta sheekha.

 

 

 

Dil-Dilaacii Ubaxii Dhiigga Iyo Kacaankii Dhergiga

 

·         Waa buug cusub oo ka hadlaya taariikhdii kacaankii 1974—1991-kii

 

Intiinii akhrisatay waxaanu cadadkagayagii shalay idiinku soo gudbinay hordhaca buug laga qoray Inqilaabkii Mingistu Hayle Mariam ee dalka Itoobiya iyo waayihii taariikheed ee mudadii uu xukumayey Itoobiya soo maray dalka Itoobiya iyo guud ahaan mandaqadda bariga Afrika, sidaa darteed buugaas oo ay qortay gabadha magaceeda la yidhaahdo Ahadu Samure waa tan qaybtiisii u horaysay:

“iyaga oo doonayey in mushaharka loo kordhiyo ayuu isugu wada yeedhay guutadii afraad ee Adis-ababa fadhiday, halkaana waxa uu ka aasaasay ururkii la magac baxay Dargi oo lagu naanaysay Ururkii dilka iyo dhaca”, Ahadu Samure, taariikhdii qarnigan, sidaa ayey Ahadu ku bilowday qoraalkeeda.

Guud ahaan waqtigaa dadweynaha reer Itoobiya waxay ahaayeen isbedel doon, laakiin ciidamada oo ka cabanaya mushahar la’aan ayaa dhaqhdhaqaaq bilaabay,waxaase iyaguna ku biiray ardayda jaamacadaha, taasi waxay keentay inay xaaladdu uugaanto oo ay dadweynuhu isla oogsadaan, balse dadweynuhu ma garanayn sida wax yihiin.

 

March 1974-kii markii uu bilowday dhaqdhaqaaqii u horeeyey shacabka waxa u muuqday oo keliya inay jirto murugo iyo cadho.  Waqtigaa may jirin ururo codka dadweynaha ku hadla oo dawladda wax u jeedin karaa, taasina waxay u suurta gelisay ciidamadii inay si adag u hawl galaan, ka dibna intii u dhexaysay March ilaa Juun 1974-kii waxay ciidamadu sameeyeen dhaqdhaqaaqyo iyo hawl-galo balaadhan, waxayna saraakiishoodii u kala dirteen gobolada iyo magaalooyinka muhimka ah ee dalka Itoobiya, sida: Adis-ababa, Negeyle, Asmara, Herer iyo meelo kale, waxayna saraakiishaasi ku shireen saldhigga afraad. Waqtigaa jawigu waxa uu ahaa mid walaac ku ged-fan yahay, waayo mustaqbalka Itoobiya waxa lagaga talinayey oo qudha saldhigga afraad ee ciidamada, waxay iswaydiintu tahay waqtigaa xaaladdu sidee bay ahayd ?. Laakiin way adkayd inay cid waliba xaaladda ka waranto, taas darteed waxa lagama maarmaan noqotay in wax la waydiiyo goob-joogayaashii saldhigga afraad si su’aashaa jawaab loogu helo, kuwaasina waa saraakiishii la joogtay Mingistu ama xaaladda wax ka ogayd. Sidaa awgeed gabadhani (Ahadu) waxay bilowday inay waraysato saraakiishii goob-joogga ahaa, waxayna u bilaabmeen warbixinahaasi.

 

Taliye NO.11: Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Ubixii kacaanku waxa uu dhamaantii qarxay, ka dib markii aan shaqaynayey muddo 15 sannadood ah. Waqtigaa waxaan ka shaqayn jirey meel idaacad ah, markaa fursad baan u helay inaan dhaqdhaqaaqa Negeyla ka socdey si hawl yar ugu xidhmo. Dhaqdhaqaaqa Negeyle waxa uu si balaadhan uga bilaabmay saldhigyada 2aad iyo 3aad ee ciidamada, run ahaantiina waqtigaa xaaladda Askartu aad bay u liidatay, may haysan raashin ay cunaan iyo daryeel kale toona haba yaraatee, taasina waxay ciidamada ku khasabtay inay xataa cunaan raashin xumaaday iyo biyo Uskag ah. Isla markaana waqtigaa waxay Askartu xeryahooda ku xidheen wefti saraakiil sarsare ah oo ay hogaaminayeen Jenaral Dirasina iyo Jenaral Asafa oo booqday fadhiisimada ciidamada gobolkaa, waxayna ujeedada ay ciidamadu u xidheen ahayd si ay u tusaan ama ay u arkaan xaaladda nololeed ee ay ciidamadu ku sugan yihiin, waqtigaas ayuu ahaa markii la iswaydiiyey xaaladda, taasina waxay ahayd dhaqdhaqaaqii u horeeyey. Mushahaarooyinkii ayaa ciidamada loo kordhiyey, sidaa darteed markii mushahaarooyinka loo kordhiyey ayey iskaga noqdeen xeryahoodii, laakiin dhinaca kalena si loo dejiyo xaaladdii kacsanayd ee dadweynaha waxa la magacaabay guddi uu madax ka ahaa Kornayl, Kadir, guddigaana waxa magacaabay nabad-sugidda, laakiin nabad-sugiddu waxay magacaabista guddigaa uga jeedeen inay u fuliyaan danahooda gaarka ah, ugamase jeedin inay ka shaqeeyaan dan dadweyne iyo inay ummadda wax u qabtaan. Hase yeeshee waxay u muuqatay inay xaaladdu degtay markaa.

 

Wareegga labaad waxa uu ahaa mid muujinaya dhaqdhaqaaqii kacaanka, sidoo kalena wareegga saddexaad waxa uu ahaa mid ciidamada lagu diyaarinayo, ciidamadana hordhacoodu wuu diyaarsanaa, waxyaalaha xiligaa la iswaydiiyey waxa ka mid ahaa in gacanta lagu dhigo saraakiishii hore.

 

Marka la eego dhinaca dadweynaha, waxa aad u soo kordhay su’aasha odhanaysa. Sidee baad xaafadihiina ugu noqotaan”, taas oo ay iswaydiiyeen arday iyo dadweyneba, laakiin markan waxay noqotay inay ciidamadu is abaabulaan, isuna soo ururaan, isla markaana ay guuto waliba guddi samaysato.

Maalin maalmaha ka mid ah warqad aanaan hubin cidda ay ka socoto ayaa si lama filaan ah loo qaybiyey, warqadaasi waxay nagu dhiiri gelinaysa inaanu soo kaxayno ciidamada iyo saraakiishayada hoose ee aanu hawlaha u wakiilanay.

Taliyayaashaydii ciidanku maalintaa wax hadal ah kama ay soo jeedin, waxaanuna gaynay meel lagu ilaalinayey, anaguna waxaanu tagnay oo aanu ku shiray xafiiska Mingistu ee kaydka hubka. Sidoo kale taliyayaashaydii waxaanu gaynay guriga fanaaniinta, halkaas oo uu mingistuna kula jirey. Mingistu markaa waxa uu ahaa taliyaha xarunta kaydka hubka, ciidamaduna way la socdeen inuu Mingistu Heyle Mariam ahaa nin dhaqdhaqaaq badan. Shirkii maalintaa socdey inkasta oo aanay ahayn niman ku kala duwan dhinaca derejada, Mingistuna maadaama uu la xidhnaa nimankii la derejada ahaa waxaan u malaynayaa inuu marka horeba arimaha si hoose u dhamaystay.

 

Habeenimadii guuto walba waxa loo sameeyey guddi, shirgudoonkii guddiyadaasina waxa uu ahaa aniga, waxaana igula jirey nimanka kala ah Nuguse Fanta, Damaqe Banjawi iyo qaar kale, laakiin markii la maqlay dhibaatada jirta waxa noo yimi janaraalo laga soo diray Adis-ababa, kuwaasina markii ay noo yimaadeen waanu xidhnay, laakiin maalintii labaad ayaanu hadana sii daynay , waayo markiiba waa naloo dhameeyey wixii aanu doonaynay, taas oo aanu kuwaa iyo taliyayaashayadii aanu xidh-xidhaynayba sii daynay, laakiin isla markiiba hadana waxa na soo gaadhay war sheegaya inay xuduudda Itoobiya ku soo durkeen ciidamadii Somaliya, taasna waxaan u malaynayaa inay is lahaayeen fursadii jirtey ee kacdoonka ka faa’iidaysta.

 

Taliyayaashayada naga hooseeya waxaanu kula shaqaynaynay qalbi furan, Mingistu waxa uu na siinayey fekrado iyo waanooyin , isaga awgiina waxaanu ula kulanay jenaral Naga Taganya.

Waxaanu tagnay Jigjiga si aanu u abaabulo ciidamada, laakiin waxa dhacday inay ciidamadii Jig-jiga nagu xidheen dhufaysyo markaa qodnaa, balse markii aanu waydiinay sababta ay noo xidheen, waxay noogu jawaabeen “Waxaanu idiin dooranay inaad na abaabushaan, balse waad iska kala tagteen”, laakiin markii aanu wada hadalay waanu is fahamnay markii dambe, wayna na sii daayeen.

 

Mar kale ayuu hadana dhaqdhaqaaqii halganku si kale u bilaabmay. Taliyayaaasha ciidamaduna waxay ahaayeen, kuwo si u yabaalsan, taasina waxay ahayd arin xidhiidh la leh nolol xumada ciidamada iyo dhibaatooyin kale oo dhinacyo badan leh oo is wada dul-fuulay. Tusaale ahaan guutada saddexaad oo aan anigu ka tirsanaa waxa joogay oo taliye ka ahaa Jenaral Hayle Bakadanya oo ka mid ahaa ragga aadka u kibray ee ugu gefafka badnaa, taas darteedna waxaanu codsanay in ninkaa nalaga bedelo, dabadeedna waxa la sameeyey guddi baadha waxa aanu kaga cabanayno, waxaana naloo magacaabay Jenaral Naga. Intaa ka dib waxa uu taliyaha aaggu ii sheegay in aniga oo maqan la ii doortay Madaxa guddiga, ka dibna aniga oo la socda rag kale ayaanu u tagnay taliyaha aagga, waxaana munaasibadaa goob joog ka ahaa Jenaral Tilahun Bishane oo ahaa taliyaha qaybta booliska ee gobolka Negayle iyo Kornayl Qalla kiristos.

 

Taliyayaashani waxay dhammaantood na siiyeen taageero buuxda, waxayna nagu yidhaahdeen “Maamulkan waa in la burburiyaa, idinkana sababta la idiin doortay waxay tahay maadaama ay ciidamadu si buuxda idiin taageersan yihiin, waxaadna ku khasban tihiin inaad fulisaan ballan-qaadkan”.

Ragga I weheliyey ee la ila doortay waxa ka mid ahaa:  Burhaane Baye,Taka Tulu, Nuguse fanta, Damaqe Banjaw iyo qaar kale. Waxa naloo diray Adis-ababa waxaana naloo amray oo na qaaday baabuur Landrovero ah, kuwaas oo aanu Adis-ababa ugu safaray, waxaanuna Adis-ababa galnay abaaro qadadii, laakiin intii aanu qadaynaynay ayaanu shawray, taas oo aanu ka wada hadalay sidii aanu uga qayb geli lahayn shir aanu u soconay iyo go’aanka aanu haysanayno. Runtii Mingistu waxa uu ahaa nin uu fahamkiisu aad u firfircoon yahay, Waxaan u malaynayaa anagu kooxdayadii inaanu si ka duwan masuuliyiinta kooxaha kale uga soo diyaar garawnay arimaha ama aanu uga soo fiirsanay qorshaha.

Maadaama aanu Adis-ababa galay goor gelin dambe ah waxaanu qolal ka qabsanay Huteel, halkaas ayaanuna u hoyanay habeenkaa, laakiin subaxnimadii markii aanu tagnay goobtii lagu shirayey oo ahayd xerada guutada 4aad, waxaanu ugu tagnay niman ka kala socdey guutooyin kala duwan, ragga meesha isugu yimi marka laga reebo intayadii isku guutada ahayd, ragga intiisa kale isma aanu aqoon, waqtigaana qofkii naga soo horjeeday wuu naga faa’iidaysan kari lahaa.

 

Ragga shirka ka soo qayb galay waxa magacyadooda qorayey laba nin oo kala ahaa Sh. Atnafu iyo Ha. Abara Aga, waqtigaa uma malaynayo inay jirtey cid mustaqbalkayaga ka fekertay , umana aanu malaynayn inaanu dhamaantayo nahay kuwo loo doortay inay taariikhda Itoobiya wax ku yeeshaan, isla markaana muuqaalkayagu waxa uu xiligaa ahaa riwaayad la yaab leh, waayo ragga subaxaa meesha wada joogay, qaarkood way fadhiyeen, qaarkood way sara-joogeen, qaarkood miisaska ayey ku dul-fadhiyeen, qaarkood way fara-madhnaayeen, qaar kalena way hubaysnaayeen, laakiin waa la isku dhex-walaaqnaa. Dabadeedna shirkii wuu bilaabmay, waxaana shirka noo furay Sh. Atnaafu, laakiin anaga oo ka soconay gobolka Herer su’aashii u horaysay ee aanu shirka waydiinay waxay ahayd “Dhamaantiin ma waxaad tihiin niman la soo wakiishay, muxuuse yahay mawqifkiinu”, shaki ayaa na wada galay, laakiin waxaanu ku wada heshiinay, sidan “Mawqifkeena midnimo ayeynu ku diyaarinaynaa, gudoomiyaheenana midnimo ayeynu ku wada dooranaynaa”. Waxa kale oo aanu go’aansanay inuu nin waliba keeno warqadii lagu soo wakiishay, qofka meel fog ka yimina telegaraamkii lagu soo diray, wuxuuna shirkii gudoomiye u doortay Sh. Mingistu, SH. Atnafuna waxa loo doortay gudoomiye-xigeen, maalmihii maalintaa ka dambeeyeyna waxaanu ka wada tashanay arimo aad u fara badan.

 

Aniga laftayda waxa niyadayda ku jirey dal jacayl, isla markaana waxaan aad u jeclaa in dalkayga is bedel ka dhaco, sidaa darteed aniga iyo saaxiibaday waxaanu ku heshiinay mawqif ah inaanu diyaar u nahay inaanu is bedelka xataa naftayada u huro.

Ereyga ah “Itoobiya ha hor marto” hore looma aqoon, laakiin sida aan u malaynayo qofkii u horeeyey ku dhawaaqay waxa uu ahaa Mingistu.

Maalmihii u dambeeyey waxay doodayada ama tashigayagu ahaa hadii isbedel dhaco dawlad noocma ah ayaa loo dhisayaa Itoobiya, laakiin waxa halkaa ka cadaatay inay ka soo qaybgalayaasha shirku fekrado kala duwan qabaan, waxayse intooda badani muujinayeen dareen ah inay rabaan maamul boqortooyo, kuwaas oo yidhi maamul boqortooyo iyo distoor hala sameeyo iyo qaar yidhi hala sameeyo dawlad Jamhuuri ah.

 

Waqtiga aanu hawlahaa wadno anaga oo boqorka ka fasax qaadanay ayaanu hawsha bilownay” intaa ayey ku dhamaatay warbixintii taliye No.11.

 

Taliye No.22

Taliyahani waxa uu isna warbixintiisa ku bilaabay: “Markii aan muddo toddoba sannadood ah ahaa taliye sare oo ciidamada ah ayaa sannadkii 1970-kii waxbarasho la iigu diray gobolka Atlanta ee dalka Maraykanka.

Markii iigu horaysay Mingistu Hayle Mariam waxaan kula kulmay madaarka la yidhaahdo John F. Kenady Airport, aniga oo markaa soo dhamaystay waxbarashadii aan u tegay Atlanta, una soo ambabaxaya dalkayga, waxayna Mingistu markaa wada socdeen nin aanu aqoon isu lahayn, taas oo ay iyaguna xiligaa u safrayeen dalkooda (itoobiya). Markii aanu kulanay waxaanu salaan is dhaafsanay ninkii kale ee la socdey Mingistu, waxaana markaa Mingistu u malaynayey inuu yahay Maraykanka Madow, sidaa darteed waxaan ku salaamay Af-Ingiriisi, dabadeedna waxa uu fahmay inaan midkood Itoobiyaan u aqoonsaday, sidaa darteed, isaga oo I raali gelinaya ayuu ii sheegay inuu ka soo baxay iskuulka la yidhaahdo Abradin ee lagu bixiyo Koorsooyinka ciidamada, hadana uu ku laabanayo dalkii, Markaasina waxay ahayd markii labaad ee uu Mingistu yimaado dalka Maraykanka.

 

Markii aanu sheekaysanay Mingistu waxaan xusuustaa inuu ahaa nin aad iyo aad ula socda marxaladda dalku marayo, isla markaana waxa uu u muuqday inuu yahay nin fahamsan dhibaatada siyaasadeed ee dalka ka jirtey. Wuxuu aad iyo aad uga xumaa Janaraalada ciidamada, wuxuuna ii sheegay inay yihiin, kuwa aan ka talinayn dalkooda horumarkiisa, isla markaana ay yihiin niman u ban-baxay inay danaystaan iyo masuqmaasuq. “Dhamaanteen maynu garran waayin inuu dalkeenu baaba’san yahay”ayuu yidhi Mingistu, wuxuuna aad uga hadlay xaaladda ciidamada Itoobiya, isaga oo barbar dhigaya ciidamadii Somaliya, taas oo uu ciidamadii Itoobiya ku tilmaamay kuwo ay xaaladoodu aad u hoosayso, isaga oo aad uga calool-xumaa tababar la’aanta iyo nolol xumada ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya. “Madaxdayadu uma ay fiirsan inay Somaliya ciidamadeeda si balaadhan u dhistay”ayuu yidhi Mingistu.

 

Hadalada noocaas ah ee aanu isdhaafsanay aniga iyo Mingistu waxay xiligaa noqdeen, kuwo soo noqnoqda oo ay had iyo goor ka sheekaystaan taliyayaasha ciidamada iyo ardayda jaamacaduhu, iyadoo ay waxa la hadal hayaana tahay dhibaato siyaasadeed oo jirta, waxa kale oo ka mid ahayd waxyaalaha la hadal hayn jirey xaaladda Ereteriya iyo waxyaalo kale.

Aniga iyo Mingistu iyo ninkii kale ee la socdey sidii aanu u sheekaysanaynay ayaa waxa la gaadhay waqtigii ay diyaaraddu duulaysay, waanuna kala dhaqaaqnay.

 

Anigu waxaan sii marayey Geneva oo aan ku sii hakanayey, halka uu Mingistuna sii marayey Rooma, caasimadda Talyaaniga, ugana si gudbay Itoobiya, laakiin laba maalmood ka dib ayaan ka soo degay garoonka diyaaradaha Poli_Airport (Adis-ababa), waxaana dhacday in aad la ii baadhay, dabadeedna markii aan idhi “Maxaa jira” ayey nimankii I baadhayey iigu jawaabeen “Laba maalmood ka hor sarkaal sare No.38 oo la yidhaahdo Mingistu, kana yimi Maraykanka waxa uu watey Bastoolad Rivolver ah, markaa waxaanu is nidhi waa intaas oo adiguna aad sidataa”.

Maalintaa laba sannadood ka dib ayaa aniga oo ka qayb galay shir uu lahaa ururka DARG ayaan arkay Mingistu oo ay suunka u sudhan tahay bastoolad Rivolver ah, bastooladaasina weligeed suunka Mingistu way sudhnaan jirtey.

 

Anigu markii aan ka soo laabtay Maraykanka waxa la ii ogolaaday inaan wax ka barto jaamacad Itoobiya ah oo aan sharciga ka barto. Laakiin markii uu qarxay ubixii kacaanku ayaa la ii sheegay in la I qoray Guddida ardayda, maanu odhan karayn diidnay maadaama aan jaamacadda ku jirey, balse waxaan idhi aan ka soo fekero, markii dambena waan iska ogolaaday, waxaana la ila doortay laba nin oo kale oo kala giraydh (Heer Aqooneed) sareeya.

 

Ka hor intii aan la aasaasin ururka DARG-ga sannadkii 1073-kii oo ay socdeen banaan-baxyadii dadku, waxa jirey laba shir oo ay ka soo qayb galeen guddiyo ciidamada ahi. Shirka hore waxa uu ahaa mid boqorka lagu ogaysiinayey inuu ciidamada u kordhiyo mushaharka, laakiin talaabadaasi waxay keentay in la xidh-xidho ilaa 200 oo sarkaal. Hase yeeshee boqorku waxa uu mar kale khudbad uu ummadda u jeediyey kaga dhawaaqay inuu ciidamada mushaharka u kordhiyey, isla markaana uu sii daayey guddigii ciidamada ee la xidh-xidhay, intaa ka dibna guddigii waa lagu kala yaacay. Laakiin mar kale ayaa la isu soo ururiyey xubno kale oo loo doortay guddiga ciidamada, waxaana guddiga labaad gudoomiye loo doortay Kornayl Yalam Sawd Tassama, shirka guddigaa lagu sameeyeyna waxa uu ka dhacay Club (goob kulan) ciidamadu leeyihiin. Anigu waan la yaabanahay maalinta shirku socdey, waayo maan ogayn ee dar alla ayuun baa Club-ka isaga tegey. Ragga kale ee halkaa lagu doortay waxa ka mid ahaa: Shalaqa Atnafu, Shambal Indale, Tassama iyo Col. Yigazub Yimane.

 

Waqtigaa waxa la xidh-xidhay ilaa labaataneeyo sarkaal oo ka mid ah saraakiishii Hayle Salaase (boqorka), kuwaas oo lagu xidhay saldhig ku yaal xaafadda Gofa, sida la sheegayna waxa soo xidh-xidhay saraakiishaa ninka la yidhaahdo Iij Indalkashaw Makonin, isaga oo ku eedaynaya inay saaxiibo yihiin Col. Yalam Sawd (Gudomiyaha guddiga), isla markaaan Iij Indalshaw, isaga oo adeegsanaya Jenaral Walda Salaase waxa uu burburiyey guddigii ciidamada ee uu gudoomiyaha ka ahaa Col. Yalam Sawd.

La soco cadadka dambe…………..

 

 

Sheeko Taxane Ah:

Quruxdeedaa Sababtay Qalalaasaha Nolosheeda

Qaybtii: 14aad

 

 

Filamadii kamarada ee ay isku sawireen safarkii ay Najiib iyo Luul ku tegeen Berbera iyaga oo ay weheliyeen Jaamac Irbad iyo Amuun waxaa la soo hadhay Luul si deg-dega ayayna u sifaysay, waxaanay ku camirtay Luul laba Album oo nooca meel-dhexaadka ah, waxanay u dhiibtay Najiib si loo dhigo, waxaanay u raacisay Albamadii gurigu waa kuwaa.

 

Najiib wuxuu yar dareemay in sawiradii hore ee uu daawadsiiyay Najiib Luul ay jirto diidanaan ay Luul diidan tahay in sawiradaas ay noqdaan kuwa ku jira sawirada xusuusta ah ee qoyska reer Najiib oo dabcan marka ay aroos galaan dad badani soo booqan doono, arrinta fahamsiisay Najiib waxay ahayd u fiirsigii Luul ee sawirku, isaga iyo Caasha Sheeri, laakiin Najiib muu muujin wax khilaafaya sida ay rabto Luul marka la eego sawirada, sidaas ayaanu ku xareeyay dhammaan sawiradii iyo Albamadii hore ee uu lahaa Najiib, wuxuu dhigay gurigoodii ay hadda ku nool yihiin Najiib waalidkii.

 

Mooge Asraar oo qaba Luul habar-yarteed Siraad Sugaal ayaa isagu hoos ahaan u waraysta xaaskiisa bal in ay jirto wax looga baahan yahay dhinaca Najiib oo isaga lagama maarmaan ka dhigaya inuu arrintaa u fasiro Najiib ama Xaaji Cali Madhaafaan, haddii loo baahdo. Laakiin Siraad waxay u sheegtay in warka ay ka heshay dhinaca reer Goohe uu yahay in Najiib uu ilaa hadda muujiyay odaynimo iyo xilkas sida ay dhinaca uga wada joogaan Luul arrinta dhismaha qoyskooda, waxaanay intaa ku dartay in Najiib ay reer Goohe ku amaaneen asluubta iyo qaddirinta uu kula dhaqmo qoyska uu inanta ka guursaday ee reer Goohe.

 

Hadda Luul waxay aad uga fikirtaa sida ay tahay nolosha guur, marka ay bilaabaan labada is guursaday inay guri ku wada noolaadaan, taa waxa u dheer hooyonimada, haynta ilmaha ay dhashay, dhaqaalayntiisa iyo barbaarintiisa oo ay hadda rumaysan tahay Luul in ay madaxa la gashay, fikir hore kamay haysan oo qoyska reer Goohe Guuleed may jirin hablo hore oo ay walaalo yihiin oo ay Luul goob-joog ahayd guri-galkoodii. Dhinac kalena iyadaa carruur u ahayd reerkooda oo may jirin carruur ka yar-yar oo ay walaalo yihiin.

Inkasta oo ay Luul yarayd waayo-aragnimada ay u lahayd macnaha guursi nineed, haddana weli muu dareemin Najiib kaalin marwonimo oo uu ku dhaliilo Luul oo uu is yidhaa Najiib waxaa dhinacaa ka haysa Luul carruunimo.

 

Inkasta oo ay Luul in badan dhegta u dhigtay warar ay ku sheekaysanayaan haween oo lagaga sheekaynayo qayru-mas’uulnimo iyo in raggu aanay xuquuq iyo tabo midna u oggolayn haweenka oo ay cadaadiyaan sawirada sheekooyinkaa oo ka dhigaya xidhiidh ragga iyo dumarka mid ku dhisan aamin-darro, kala shaki iyo jawi aan wanaagsanayn. Laakiin Luul may la kulmin sawiro u eg sheekooyinka ay hore dhegta ugu qaaday, waxa qudha ee ay hadda la kulantay waa wiil u daacada sida ay u aragto, nin u soo maray dariiq aan mad-madow lahayn oo guur, waa nin u diyaar ah in ay wada dhistaan nolol, ma jirto wax is dhaaf-dhaaf ah oo kala soo dersay Luul dhinaca Najiib marka laga reebo Amuun Cabdalle oo u sheegtay Luul inay maalin suuqa sheed ka arkaysay gaadhiga Najiib oo ay ka degayso naagi. Hase yeeshee, waxay intaa u raacisay in ay Najiib la socdeen laba nin oo kale, sidaas daraadeed may kala xaqiijin karayn Luul in ay ahayd Naag Najiib si gaar ah ula socotay iyo inkale, sababtaas ayaanay dhegta ula sii raacin Luul sheekada ay u soo gudbisay Amuun.

 

Mooge Asraar oo ku faraxsanaa sida ay ugu guulaysteen isaga iyo xaaskiisa Siraad rabitaankii Najiib ee Luul ayaa maalintii dambe ay suuqa iska heleen Najiib fasax gaaban oo uu shaqada ka soo qaatay Mooge. Wuxuu ka yara waraystay Najiib qorshihiisa guur-galka, waxaanu ku kordhiyay inkasta oo labada qoys reer Xaaji Cali Madhaafaan iyo reer Goohe Guuleed ay ogyihiin maalinta ay reer Najiib u qabsadeen aqal-galkooda, haddana Mooge wuxuu ku kordhiyay in Xaaji Cali Madhaafaan uu arrintaa si Milgo leh uu ugu tago Goohe oo ay ka fadhiistaan wareejinta Luul, Najiibna wuu ku raacay Mooge arrintaas, wuxuuna isla maalintii wax ugu sheegay Najiib aabihii Cali Madhaafaan sidii ay Mooge isla garteen, maadaama hadda ay Xaaji Cali iyo Goohe aqoon isu leeyihiin.

Xaaji Cali, wuxuu Najiib u sheegay in uu isagu si gaar ah ula kulmi doono Goohe, arrintaa wuxuu Xaaji Cali sidaas ugu qorshaystay in ay keligii is arkaan Goohe Guuleed, wuxuu u jeeday si uu Goohe Guuleed ugu soo bandhigi karo wixii arrimo ah ee aan habboonayn in Goohe kala hadlo Xaaji Cali, isaga oo fadhiya inanka uu soddoga u yahay ee Najiib.

 

Kulankii ay kulmeen Xaaji Cali iyo Goohe wuxuu isugu biyo-shubtay inay arrintu ahaato sidii ay waqtigooda aqalgalka u qorsheysteen Najiib iyo Luul. Waxaa kale oo uu Goohe u sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin inay gurigeeda u wareegto Luul oo ay sidaa aad uga raali yihiin. May jirin wax kale oo uu Goohe u soo bandhigay Xaaji Cali. Sidaas ayayna isku gacan-qaadeen Xaaji Cali Madhaafaan wuxuu ku ballan-qaaday in kolba labada qoys kii arrinta gacanta ku haya ay Najiib iyo Luul u yihiin carruurtooda oo kale.

Luul waxay ka codsatay maalmahan dambe ee uu soo dhowaaday aqalgalkeedu inay Amuun la joogto.

 

Amuun iyo Luul way isku dhow-dhow yihiin xagga da’da, laakiin waxay ku kala duwan yihiin heerarka ay hadda kaga jiraan nolosha, Amuun waa ardayad, maskaxdeedu ku jihaysan tahay waxbarasho iyo akhriska buugaag ay ka korodhsanayso aqoon, kolba wixii u suurtagala. Luul waa xaas, uurna way leedahay. Waxay maskaxdeedu la legdamaysaa sidii ay u qaabili lahayd mas’uuliyadda cusub ee kaga soo aadan qoyska ay ka tahay hooyo guri, haddana si kasta ha u kala duwanaado jewiga nololee dee ay ku jiraan Luul iyo Amuun, waxaase jirta saaxiibtinimo dheer oo aan labadoodu midna midka kale aanu qof kale ku doorsanayn, is dabci barashadooda ayaa ah furaha saxiibtinimada aan liicin ee ka dhaxaysa labadaa qof. Waxaa xusid mudan in ay yar tahay farogelin iyo falanqayn arrin khuseeya midkood oo aanay isla oggolayn. Dadka qaar waxay moodaan walaalo, waayo waxay isku arki jireen muddo dheer iyaga oo wada socda, markaa may fasiri karayn waxa isku xidhay hadda oo ay Amuun la joogto Luul Reer Cabdalle way og yihiin in aan Amuun ku maqnayn meel kale. Galab dhoweyd oo ay u tagtay reerkooda, waxaa lagula kaftamay mar haddii ay Luul aroos-gelayso dee adna waad aroos-gelaysaa illayn mataanaad tihiine, gaadhi sugayay awgii si ay ugu noqoto guriga reer Goohe Salaan ayaa ku dhaaftay Amuun, iyada oon sii tixraacin kaftankii lala kaftamayay. Waxay qaadanaysay Amuun waxay ahaayeen dhawr buug oo ay akhrisato xilliyo yar oo ay firaaqo hesho ama ay seexato Luul oo ay iyadu soo jeedo.

 

Markaad eegto Amuun oo qaadata muraayad, jiilanaanta socodka, qorshaha hawlaheeda, deggenaanteeda iyo dabeecadeeda, waxa la is odhan karaa waa naanays ama magac ku habboon oo ay qaadan doonto maalin maalmaha ka mid ah in magaceedu noqdo Drs Amuun. Arrintaa waxa taageeraya sida ay ugu heelan tahay waxbarashada Amuun. Inta badan Luul oo iyana la mid ah haweenka dhaliisha sida ay u dayacaan fursadda waxbarashada xilliyada ku habboon ee noloshooda. Waxay rumaysan tahay in aan waxbarashadu ahayn xirfad ay qasab tahay in uu qofku ku shaqo tago, laakiin ay tahay aqoon barashadeedu ay kabayso sifaha nolosha wanaagsan. Waxaa la is odhan karaa Amuun waxay ka dhaxashay waxbarasho jacaylka waalidkeed oo ay labaduba ahaayeen macallimiin is guursaday iyaga oo macallimiina. Laakiin Amuun hooyadeed waqtigii dambe way ka hadhay shaqada macallin-nimada. Inta badan macallimiinta yaqaana Cabdalle iyo Saynab oo Amuun hooyadeed marka ay arkaan fahmo furnaanta iyo maskax wanaaga Amuun waxay yidhaahdaan Allaylehe waad ku bannaan tahay macallimiintii ku dhalay. Luul inkasta oo ay ka dhalatay qoys reer magaal ah, haddana hooyadeed Quman waxay ku jirtaa bahweynta haweenka reer Somaliland qayb ka mid ah oo aan soo marin waxbarasho. Hase yeeshee, waxay aad xooga u saartay Quman Sugaal sidii uu waxbarashada meel fiican uga gaadhi lahaa inankeeda Abiib Goohe Guuleed oo hadda meel fiican ka maraya waxbarashada sare ee jaamacadaha, waxaadse moodaa xoogaa ay saartay Quman inankeeda Abiib dhinaca waxbarashada may saarin mid le’eg inanteeda Luul. Hase yeeshee, haddana kamay horjoogsan haddii ay sii wadan lahayd waxbarashadeeda.

La soco………….