Haatuf News
Issue: 181________________________________ Salaasa, October 15, 2002
Laas-caanood Waxa Laga Sugayaa Diyaarad Ka Imanaysa Dhinaca Kenya… Weftiga Waxa Ka Mid Ah Laba M/weyne Ku Xigeen Oo Reer Sool Ah
|
Garoowe (Haatuf): Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay maanta ka dhoofaan magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland, iyaga oo u sii jeeda dalka Kenya, taas oo la filayo inay ka qayb gelayaan shirka dib-uheshiisiinta Somaliya oo berito lagu wado inuu ka furmo degmada Eldora ee duleedka caasimadda Kenya ee Nayroobi.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Liibaan Maaweel Shire oo hadda ku sugan magaalada Laas-caanood waxa weftiga C/laahi Yuusuf ka mid ah madaxweyne-kuxigeenkiisa, Maxamed Cabdi xaashi, taliyihiisa ciidanka loo yaqaan daraawiishta, C/semed Cali shire, gudoomiyaha baarlamaanka Punt-land iyo labadiisa ku xigeen iyo xubno kale. Laakiin sida ay wararka ka imanaya Garoowe sheegeen waxa weftigaa ka hadhay wasiirka arimaha gudaha Puntland, Axmed Cabdi Xaabsade oo markii hore ka mid ahaa weftiga, waxaana meeshiisa gashay marwadiisa, deeqa Col-ujoog, balse lama garanayo sababta.
Sida uu weriyaha Haatuf u xaqiijiyey nin ka tirsan baarlamaanka Puntland waxay xubnaha weftiga Puntland ee shirka loo qorsheeyey ahaayeen 28 xubnood, laakiin laba xubnood oo ka mid ah waxa la siiyey madaxweyne-kuxigeenkii maamulkii Jaamac Cali jaamac oo ah ninka la yidhaahdo, Axmed Maxamed Goonle oo dhalasho ahaan ka soo jeed gobolka Sool iyo nin kale oo isna la yidhaahdo Khaliif oo isna ka tirsanaa maamulkii Jaamac Cali Jaamac, waxaana la sheegay inay sababta sidaa loo tahay, ka dib markii uu C/laahi Yuusuf ku hanjabey inaanu ka qayb gelayn shirka Kenya hadii inuu ka qaybgalo loo ogolaado Jaamac Cali Jaamac, taasina ay keentay inuu ka qayb galo madaxweyne-kuxigeenkiisu.
Dhinaca kalena waxa magaalada Laas-caanood laga hadal hayaa inay imanayso diayarad oo ka imanaysa dhinaca Kenya, taas oo la leeyahay waxa magaalada Laas-caanood ka raacaya dhawr xubnood oo shirka ka qayb gelaya, laakiin ilaa hadda ma cadda, kuwa ay yihiin dadka diyaaradaasi qaadayso ee Laas-caanood ka tegaya.
Wasiirka Arimaha Dibadda Ee Kooxda Carta Oo Sheegay Inay Midow Federal Ah Oo Shardi Leh La Yeelanayaan Itoobiya
|
Cairo (Sharqul-Awsat) - Jariidada uu fadhigeedu yahay London ee ‘Sharqul Awsat’ ee ku soo baxda luqada Carabigaayaa dhowaan ka soo xigatay Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), war sheegay in maamulka Cabdi-qaasim uu diyaar u yahay in midow federal ah uu la noqdo dalka Itoobiya.
Warkani wuxuu kale oo uu sheegay in Yuusuf-dheeg uu arrintaa midowga ku xidhay shuruudo ah; in dawladda Itoobiya taageerada ka joojiso kooxaha ku kacsan waxa uu ugu yeedhay ‘Dawladda ku Meel-gaadhka ah’, iyo in ay Itoobiya aqoonsato in maamulka Cabdi-qaasim uu yahay sharci.
Yuusuf-dheeg, waxay ka soo xigatay jariirada Sharqul-Awsat inuu sheegay haddii ay Itoobiya fuliso shuruudahaas ayuu xusay in ay tahay bilowga federal ay la noqoto dalka Itoobiya kooxda Carta.
Isla waraysigan wuxuu Yuusuf-dheeg ku dafiray in aan maamulka Cabdi-qaasim aanay ka mid ahayn xubno argagixiso ah oo ka tirsan ururka Al-Itixaad. Beenaynta Yuusuf-dheeg ayaa ah ujeedo lagu doonahyo in Itoobiya lagaga qanciyo iyada oo ay ku eedaysan yihiin xubno ka tirsan Al-Itixaad inay qaraxyo argagixiso ka fuliyeen Itoobiya, isla markaana ay gacan-saar la leeyihiin maamulka Cabdi-qaasim. Arrintan oo keentay kala fogaansho dhinaca dawladda Itoobiya iyo maamulka Cabdi-qaasim ee isku magacaaba (KMG) ah.
Dadka la socda arrimaha Geeska Afrika ayaa ku tilmaamay war layaab leh, dooda uu soo jeediyay Yuusuf-dheeg.
“Qorshaha Nooguma Jirto Inaanu Somaliland Ka Caawino Doorashada”
Madaxa Wefti Reer Sweden Ah Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland
|
Hargeysa (Haatuf):Wefti afar xubnood ka kooban oo reer Swedan ah ayaa shalay ka dhoofay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay dhawr maalmood booqasho ku joogeen dalka.
Weftigaa oo dalka yimi Sabtidii toddobaadkan waxa hogaaminayey haweenayda magaceeda la yidhaahdo, Eva Asplund oo ka mid ah agaasima-waaxeedyada wakaaladda dalka Swedan u qaabilsan kaalmooyinka debedaha oo marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo,SIDA, waxayna weftigaasi ujeedada socdaalkooda Somaliland ku tilmaameen xog-ogaal u noqoshada geedi socodka mashaariicda ay hay’adda SIDA maalgeliso ee laga wado Somaliland iyo weliba inay fekrad ama macluumaad ka helaan baahiyaha ka jira Somaliland si bay yidhaahdeen loogu saleeyo kaalmada ay hay’adda SIDA mustaqbalka u fidinayso Somaliland.
Weriyayaal Haatuf ka tirsan oo shalay la kulmay Madaxa weftiga reer Swedan , Eva Asplund ayaa waydiiyey bal inay kor u qaadi doonaan kaalmada ay Somaliland siiyaan waxay ku jawaabtay “Runtii baahiyo badan baa halkan ka jira, laakiin meelo badan oo adduunka ka mid ah ayaa taa idinla qaba. Hase yeeshee kaalmada la siiyo Soomaaliya oo dhan oo ay Somaliland ka mid tahay waxa suurta gal in waxoogaa la kordhiyo”. Laakiin Eva Asplund waxay intaa ku dartay inaanay hayadooda qorshaha ugu jirin inay gacan ka geystaan doorashooyinka la filayo inay Somalland ka dhacaan, waxaase jira bay tidhi deeq-bixiyaal kale oo ballanqaaday inay Somaliland ka caawinayaan dhinaca doorashooyinka. “Anagu hadii aanu SIDA nahay waxaanu culayska saari doonaa sidii aanu uga gun-gaadhi lahayn hawlihii hore noogu socdey ee aanu taageerada siin jirey, sida Waxbarashada, biyaha iyo waxyaalaha la xidhiidha dhinaca nabadda”ayey tidhi Eva Asplund.
Hayadda SIDA waxay kaalamada ay Somaliland siiso soo marisaa hayadaha samafalka caalamiga ah, sida: UNICEF, UNHCR, INTERNATIONAL AID Swedan iyo FOPAG oo ah urur wadani ah oo la wareegay hawlihii ay qaban jirtey hayaddii LIFE and PEACE.
Waxa kale oo haweenaydaa la waydiiyey sababta ay kaalmadooda u soo mariyaan hayadaha kale ee samafalka caalamiga ah ee ay SIDA toos ah uga fulin wayday Somaliland, iskaashina ula samayn wayday dawladda Somaliland, waxayna taa kaga jawaabtay “Marka hore ma lihin awood aanu ku daba galno mashaariicda aanu maalgelino, mana bixino maalgelin toos ah oo taasi waa noo dhaqan, dhinaca kalena kaalmo toos ah oo aanu dawladaha siinaa waxay ku xidhan tahay ictiraaf la helo ama xidhiidh iskaashi oo dhexmara labada dhinac, taasna ay dawladda Swedan go’aansato”.
Weftiga reer Swedan mudadii ay Somaliland booqashada ku joogeen waxay soo boqdeen mashaariicda ay maalgeliso hayadooda SIDA ee dalka ka socda oo ay ka mid yihiin mashruuca biyo-gelinta Boorame.
Haweenayda Eva Asplund waa masuulkii u sareeyey ee ka tirsan hay’adda SIDA ee Somaliland booqasho ku yimaada ilaa hadda, waxaana socdaalkeeda ku weheliyey xubnaha kala ah: Urban Sjostrom oo sarkaal qaabilsan arimaha Somaliland iyo Somaliya, Ingvar Ronnback iyo Inmarie Lund-berg oo ah haweenay ka mid ah hawl-wadeenada safaaradda Swedan ee Nayroobi, waxayna weftigaasi muddadii ay Hargeysa joogeen degganaayeen Hotel MAANSOOR.
IGAD Oo C/Qaasim Ku Wargelisay Inaanu Shirka Kenya Ku Imanayn M/weynenimo
|
Muqdisho (Haatuf) - Shan iyo labaatan xubnood oo la sheegay in uu soo xulay maamulka C/qaasim oo ka kooban beelaha Hawiye ayaa loo magacaabay inay uga qaybgalayaan shirka dib u heshiisiinta Somaliya ee maanta uga furmay Eldoret, Kenya.
Xubnaha uu warkani sheegay inay magaca beesha hawiye ku tegayaan shirkaa ka dhacaya Kenya waxay kala yihiin;
1. Cali Mahdi Maxamed
2. Xuseen Xaaji Bood
3. Ismaaciil Macallin Muuse
4. Maxamed Sheekh Gabyow
5. Carabow
6. Suufi
1. Xasan Dhimbiil
2. Cali Dheere
3. Cali Xaaji Yuusuf
4. Sheekh Cali Caga-Weyne
5. Maxamed Warsame Kiimiko
1. Maxamed Sheekh Cismaan
2. Sheekh Xasan Ceynte
3. C/Raxmaan Diinaari
4. Maryan Cariir Qaasim
1. C/Laahi Macalin Faarax
2. Xasan Jumbar
3. Xabiiba Nuur Gindi
SHEEKHAAL
1. Dasuuqi
2. Shiil
XAWAADLE
1. C/Laahi Xaaji Shirwac
2. Abuukar Muuse Guure
3. Hinda Cifaaf Weheliye
BAADI-CADE
1. C/Kariim A. Cali
1.C/Laahi Faarax Cawaale
warka shirkan Eldoret ee Kenya, ku saabsan waxaa kale oo ka soo baxay war sheegaya in C/qaasim lagu wargeliyay in aanu ka mid ahayn madaxda IGAD ee furaysa shirka Eldoret.
Arrintani waxay ka dambaysay muran la sheegay inuu marti-qaad gaar ah oo uu madaxweynaha Kenya Daniel Arab Moi uu u soo diray C/qaasim si uu uga mid noqdo madaxda IGAD ee furaysa shirka Somalida ee Kenya. Hase yeeshee ay dawladaha IGAD ku kala qaybsameen arrintaas, waxaana warkani uu sheeay in lagu wargeliyay in C/qaasim loo arko xubin ka mid ah dadka heshiinaya. Sidaas daraadeed aanu iman dhinaca madaxda IGAD ee shirkaas furaysa.
|
Laas-caanood (Haatuf): Dhul-daaqsimeed ku yaal meesha la yidhaahdo Cagaare oo qiyaas 72 KM ah dhinaca koonfur-galbeed ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maalmihii u dambeeyey muran xoog lihi ka aloosan yahay, waxaana hadda isu hub iyo ciidan urursanaya laba dhinac oo degaankaa isku haya.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf, Liibaan Maaweel Shire oo hadda ku sugan magaalada Laascaanood waxa degaanka muranku ka taagan yahay oo ah dhul-daaqsimeed muhim ah isku haya dhinacyo ka soo kala jeeda beesha Sool iyo Majeerteen, waxayna wararka arintaa ku saabsani tilmaamayaan xaalad walaac leh, taas oo laga baqayo inay xaaladdu faraha ka baxdo, iyadoo ay hadda is horfadhiyaan dhinacyo hubaysani.
“Degaanka Cagaare waa dhul-daaqsimeed bedkiisu yahay 100M2, waxaana leh dhul-bahante, majeerteena waxay rabaan inay xoog ku qaybsadaan oo waxay keeneen ciidamo lug ah iyo tikniko, waxaana dabada ka wada oo soo hubaynaya maamulka Puntland”sidaa waxa yidhi, Cali Xasan Gacamey oo reer Sool oo uu weriyaha Haatuf wax ka waydiiyey muranka ka aloosan dhul-daaqsimeedka la isku hayo, wuxuuna Cali Xasan intaa ku daray “Anaguna waanu gaynay wixii aanu rag iyo hub haynay, cidna ka yeeli mayno inay xoog ku qaybsadaan dhulkayaga”.
Sida uu warku sheegay waa markii shanaad ee uu dib u soo cusboonaado muranka dhulkaasi, iyadoo uu markii u horaysay muranku ka bilaabmay berkedo degaankaa laga qoday, laakiin ilaa afar goor oo hore ayaa marba la awday berkedo halkaa laga qoday, waxayna dadka berkedaha qodayaa ka soo jeedaan dhinaca Majeerteenka.
Usaama Binu Laadin Oo Soo Dhaweeyay Weeraradii Lagu Qaaday Ciidamada Maraykanka ee Kuwait Degen
|
Al-Jasiira- Hogaamiyaha ururka Al-Qaacida Usaama binu Laadin ayaa bogaadiyay weeraradii dhawaanahan lagu qaaday Ciidamada Maraykanka ee degan Kuwait iyo markabkii saliida siday ee lagu qarxiyay xeebta dalka Yemen, kuwaasoo uu ku tilmaamay hawlgalo geesinmo leh oo ay fuliyeen mujaahidiinta u dagaalamaysa dadkooda iyo diintooda.
Bayaan uu leeyahay Usaama binu Laadin oo laga sii daayay telefishanka Al-jasiira ayuu sidaa ku sheegay Usaama Binu Laadin isaga oo intaa ku daray in xafiiska siyaasada u qaabilsan Al-qaacida uu dhawaan soo saari doono bayaano cadaynaya sidii ay hawlgaladaasi u dhaceen isla markaana faah-faahin ka bixinaya sidii loo fuliyay.
Waxaanu Usaama bayaankiisan ugu baaqay dadka muslimiinta ah in ay midoobaan iskana dhaafaan khilaafka iskuna geeyaan cududooda, isaga oo intaa ku daray in ahmiyada koowaad la siiyo la dagaalanka Maraykanka iyo Yuhuuda.
Ugu dambayna waxa uu Usaama Sheegay sida Maraykanka iyo xulafadiisu ugu fashilmeen ololaha ay ka wadaan Afqaanistaan oo uu sheegay inay ku guuldaraysteen, inay nabad ka hirgaliyaan iyo inay soo qabqabtaan Hogaamiyayaasha Daalibaan iyo Al-qaacida ayna ka dhisaan Afqaanistaan dawlad loo dhan yahay.
Ciidamada Maraykanka Ee Kuwait Degen Oo Mar Kale Weerar Lagu Qaaday
|
Kuwait (W.Wararka) – Ciidamada Maraykanka ee deggen Kuwait ayaa maalintii shalay lagu qaaday weerar kale, iyada oo ay tacshiirad huwiyeen dablay hubaysan oo wadatay laba gaadhi oo kuwa rayidka ah, iyada oo aanay dhicin wax khasaare ahi.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Safaaradda ay Maraykanku ku leeyihiin Kuwait, labada gaadhi ee rasaasta laga soo riday waxay ku soo dhowaadeen goob ay ciidamada Maraykanku dhoola-tus ku samaynayeen oo dhinaca waqooyi ka xigta caasimada Kuwait, iyaga oo ay dablayda saarani rasaas ooda kaga qaadeen. Balse sida warku sheegay ciidamada Maraykanku umay jawaabin, wax khasaare ahina muu dhicin.
Dhacdadani waxay ku soo beegantay maalmo yar kadib markii weerar noocan oo kale ah lagu qaaday ciidamada Maraykanka oo dhoolatus ku samaynaya Kuwait. Weerarkaas oo lagu dilay hal askari oo Maraykan ah, saddex kalena lagu dhaawacay.
Waxaanu weerarkan labaad dhacay, iyada oo ay dawladda Kuwait adkaysay ammaanka dalkaasi, si looga digtoonaado weeraro kale oo lagu qaado ciidamada Maraykanka.
Al-Qaacida Oo Lagu Eedeeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Indoonisiya
|
Jakarta (W.Wararka) - Wasiirka Gaashaan-dhigga ee Indooniisiya ayaa ku eedeeyay weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay Jasiirada Baali ee dalkaas inuu ka dambeeyay ururka Al-Qaacida ee uu hoggaamiyo Usaama bin Laden.
Weeraradan oo ay ku dhinteen dad ka badan 185 qof, waxa uu dhacay habeenkii Axaddii, iyada oo ay goobtaasi ku caweynayeen dad badan oo dalxiisayaal ah una badan dad ka yimid dalka Ustaraaliya. Ilaa iyo hadda ma cadda sida ay dhab u tahay in uu ka dambeeyay ururka Al-Qaacida, balse haweenayda madaxweynaha ka ah dalkaasi ee Miganawati Sukarno Buuti, ayaa markiiba weeraradaasi ku tilmaantay inay ka dambeeyeen ururo argagixiso ahi.
Waxaase markii hore la soo hadal-qaaday ururo islaami ah oo ka dhisan gudaha Indooniisiya. Dhawaaqa hadda ka soo yeedhay wasiirka Gaashaan-dhigga ee Indooniisiya ayaa ah qaar la filayay, maadaama markasta oo ay dhacaan weeraro noocan oo kale ahi la xasuusanayo wixii ka dhacay Maraykanka 11 September 2001.
Dalka Indooniisiya oo ah dalka ugu dadka badan dalalka Islaamka, ayaanay hore uga dhicin weeraro noocan oo kale ahi.
Dalal badan oo caalamka ah ayaa cambaareeyay qaraxyadan ka dhacay Indooniisiya oo keenay dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan, kuwaas oo uu jidhkoodu si xun u googo’ay.
Waxaa kale oo socda baadhitaan xoog leh oo lagu baadi-doonayo ciddii dhab ahaan uga dambaysay qaraxyadan.
Waddo Xumada Degmada Bali-Gubadle Masuuliyadeeda Yaa Iska Leh?
Waxa aynu ogsoonahay ama la soconaa sida ay tahay wadada tagta Degmada Bali-Gubadle oo ah mid markaad marayso aad indhahaagu u diidayaan, godod jeex-jeexyo iyo boodh badan oo aan la soo koobi karin markaad gaadhi ku martid wadadaasi oo aad mararka qaarkood ka baqaysid inuu kula dhaco.
Degmada Bali-Gubadle oo aan aad uga fogayn Hargeysa una jirta ilaa lixdan kiiloo Mitir ama wax ka yar haddana gaadhigu wuxuu u socdaa ilaa saddex saacadood waxanay taasi ku dhacday wadada aadka u xun ee degmada loo maro oo haddii ay wadadu wanaagsanaan lahayd gaadhigu wuxuu u socon lahaa saacad ama wax ka yar, waxaana suurta gali lahayd in ardayga Hargeysa Iskuulka ka dhigtaa uu ku noqon lahaa Degmadaasi. Waxa kale oo suurta gali lahayd in laga soo shaqo tago Bali-Gubadle laguna rawaxo. Waxaynu la soconaa inuu degmada Bali-Gubadle ka furan yahay dugsi sare laakiin maxay kuugu taallaa meeye macalimiintii dhigi lahaa, waa nasiib darro ka la geeyaana bil wax ka badan ma joogo, waayo murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa?” anigu halkaas ayaan ka taaganahay su’aashaas, nasiib darraduse waxay haysataa da’yarta u dhalatay deegaanka ku gudaha jooga iyo kuwa dibadda joogaba, waxaanan dhalinyarada inta aqoonta leh ee maskaxdoodu furantahay u sheegayaa inay u gurmadaan walaalahooda ciyaala Iskuulka ee ku meehanaabaya Degmada kuwaasoo aanay cidina u maqnayn ilaahay mooyaane, gaar ahaana kuwa sanadkan ka gudbay dugsiga dhexe una gudbay dugsiga sare. Kuwaasoo aan haysanin macalimiin wax u dhigta Wasaaradda waxbarashaduna wax qorshe ah umay samayn macalimiina umay geyn. Waxaasoo dhibaato ah ama darxumo ah waxa inoogu wacan wado xumida waayo wax waliba way fududaan lahaayeen haddii ay wadadu inoo dhisnaan lahayd.
Waxana iswaydiin leh dhibaatadaasi ma mid dabiici ah oo ilaahay Inoogu talagalay baa mise waa mid aynu inagu isku keenay, waxaan qabaa inay tahay mid aynu inagu isugu wacanahay oo ka timid dadka deegaanka oo dhan. Gaar ahaana madax ku sheegeeda, aqoonyahankeedii, waxgaradkeedii, haba ugu sii darnaadaan madaxduye, barta ay sartu ka qudhuntay waxa weeyi, Madaxda oo dhammaantood danaystayaal ah oo waxqabadkoodu soo dhaafi waayay guryahooda, mid walibana uu deegaankan wax waydiiyo marka uu dan ka leeyahay, iyagoo isleh wali la idinma baran. Markaa haddii aad isleedihiin dadku idinma oga anagu haddii aanu nahay dhalinyarada fikradoodu nooshahay ee aan damiirkooda laga xadin anagu waanu idin baranay, waxaad tihiina rikoodhkaanu galinay, wadada inta la xaadhay la leeyahay kharashkeedii waa la bixiyay haddana meel ay ku dambaysay aan la garanayn ayaanu idiin haynaa wakhtigeedana waanu idinkula xisaabtami. Degmada waxa sidaa u galayna waa idinka ilaa aad ka hor dhaqaaqdaan waligeed faa’iido yeelan mayso. Markaa aniguna waxaan leeyahay waddo xumada Degmada Bali-Gubadle ha la cadeeyo. Waddo xumada cida masuuliyadeeda leh,
C/Raxmaan Axmed Xuseen (indho) Bali-Gubadle
Dil-dilaacii ubixii dhiigga iyo kacaankii dhergiga
ka dib markii uu burburay guddigii Kornayl: Yalam Sawd waxa si qarsoodi ah u kulmiyey oo shirar wada yeellan jirey Shalaqa Atnafu iyo Shambal Indale, waxaana u suurta gashay inay shir ku qabtaan xerada guutada 4aad, halkaana lagu doorto guddi ay ka mid yihiin wakiilo ka kala socda guutooyinka ciidamada.
Julay 28, 1973-kii waxaan ka qayb galay shir lagu qabtay xerada guutada 4aad, markaa 17 sannadood oo aan la soo socdey kacaanka Itoobiya sidaa ayuu ku bilaabmay. Laakiin shirkaa dhacay Julay 28, 1973-kii waxaanu ka qayb galay anaga oo xidhan calaamad muujinaysa nin waliba guutada uu ka socdo, aniga laftigaygu sheekada maan fahmin, waqtigaa xaaladda kala dambaynta ee ciidamada gudahoodu waxay ahayd mid aad u liidata, waayo ciidamadu xataa taliyayaashooda sare way xidh-xidhi jireen, tusaale ahaan gobolka Negeyle ciidamadii joogay waxay xidheen guddi ka timi Adis-ababa iyo Jenaral Dirsa oo u socdey inay wax ka qabtaan xaaladdii kacsanayd ee ciidamada, waxaana xiligaa la eryey Jenaraalo iyo saraakiil sar-sare oo uu ka mid ahaa janeral Ababe Gamada, isla markaana waxay xaaladdu ahayd mid jahowareersan.
Ka dib markii aanu galay hoolkii shirka waxaan arkay inuu shirka hogaaminayo Shalaqa Atnafu Abaate, anigu Shalaqa Atnafu dusha ayaan ka aqaaney mar uu dhigan jirey maxadka la yidhaahdo Bussiness Administration, wuxuuna aad ugu dedaalay aasaaskii ururkii DARG iyo guddiyadii ciidamada, wayna u suura gashay inuu ku guulaysto samaynta ururkaa.
Waan xusuustaa magacyada ka soo qayb galayaasha waxa mid mid u qorayey Shambal Tafara iyo Maato Alaqa, waxayna nin walba ka qorayeen derejadiisa iyo guutada uu ka socdo ee soo wakiilatay. Ka soo qayb galayaasha qaarkood way sheekaysanayeen, qaarkood-na miisaska ayey ku dul-fadhiyeen, halka ay qaar kalena marna baxayeen, marna soo gelayeen, sidoo kale xubnaha aqoontu isu lihi inta ay gooni isugu baxeen ayey gaar gaar u sheekaysanayeen, waxaana meesha ku badnaa xubnaha hubaysan , isla markaana waxa meesha ka muuqatay dishibiliin xumo.
Umaan malaynayn inay garanayaan sababta aanu isugu nimi xubno ay ka mid yihiin Shalaqe Admaase Salaqa oo ka mid ahaa golaha baarlamaanka iyo saraakiishii iyo wasiiradii Xayle Salaase oo ay ka xanaajisay sii dayntii saraakiishu. Laakiin Shalaqa Atnafu, isaga oo ka faa’iidaysanaya isu imaatinka wakiilada ka kala socda guutooyinka ee shirka ka soo qayb galay, Shalaqa Atnafu, isaga oo ka hadlaya ujeedada shirka wuxuu yidhi “Xalka waxa loo baahan yahay in aad looga fiirsado, shirkanina ma aha kii u horeeyey ee aanu qabano”.
Wakiilada shirka ka qayb gelayey waxay ka kala yimaadeen guutooyinka ciidamada cirka, Guutada Herer iyo meelo kale oo ka sii fog fog, laakiin Shalaqa Atnafu markii uu shirka furayey waxa uu soo jeediyey ama uu xusay inuu jiro musuqmaasuq iyo kursi ku kibir, waxaana naloo sheegay inaanu qoro magacyada nimanka dembiyada ama falalka musuqmaasuqa iyo kibirka wada ee la ogyahay,isla markaana maalintaa maalintii ku xigtay waxa la soo xidh-xidhay niman kale oo madax ah, waxaana amarka lagu soo xidhay bixiyey Atnafu, wuxuuna Atnafu amar ku bixiyey Idaacadda, Garoonka diyaaradaha iyo dhismayaasha waaweyni inay ciidamadu ilaaliyaan, isla markaana waxa xabsiga loo taxaabay janeralo iyo saraakiil kale oo sarsare, waxaas oo dhanna waxa samanayey Shalaqa Atnafu oo ahaa nin ay derejadiisu aad u hoosayso (Gaashaanle), taasina waxay muujinaysaa kalsooni darada ay ciidamadu xiligaa ku sugnaayeen, waxaana cadayd inaanu jirin wax maamul lagu tilmaami karaa.
Gaashaanle Atnafu waxa uu ahaa nin aad u degan, isla markaana ahaa nin dhiirran oo aanay dareenkiisa marna wax cabsi ahi ka muuqan, sidoo kalena ah nin karti badan iyo firfircooni uu mujtamaca wax kaga dhaadhiciyo, kumana degdegi jirin arimaha. Waxaan xusuustaa in shirkii labaad ee kaa ku xigay la qabtay maalin Isniin ah, masuuliyiintii ka socotay guutada 3aad ee shirkaa ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa Mingistu Xayle Mariam oo ka yimi gobolka Herar, ninkii kuliyadda Herer madaxda ka ahaa Burhaanu Baaye iyo rag kale oo kala derejo sareeyey oo ay ka mid ahaayeen Lagase Asafa, Niguse Fanta iyo damaqe Banjaw iyo weliba qaar kale.
Marka laga yimaado maalintii aan kula kulmay madaarka John F. Kenedy ee dalka Maraykanka waxay ahayd maalintii labaad ee aan la kulmo Mingistu, waxaana maalintaa xusuustaa , Mingistu isaga oo aan mar qudha hadlin inuu shirkii dhamaaday, balse maalintii labaad ee shirkaa ayuu Mingistu gacanta taagay, ka dibna waxa loo ogolaaday inuu hadlo, wuxuuna yidhi “Dhamaanteen waxaynu halkan isugu nimi inaynu ka wada hadalo mustaqbalka dalkeena sidii uu noqon lahaa”, laakiin waxa uu hadaladiisa ku daray in loo baahan yahay dedaal, qorshe shaqo iyo waxyaalo la mid ah. Laakiin waxaanu la yaabnay hadalada waaweyni iyo fekradaha uu ninkani soo bandhigay, waxaana aaminsahay inaanu intayadii badnayd Madaxa u ruxnay inuu ninkani yahay nin garanaya waxa uu ka hadlayo.
“Itoobiya ha sarayso (Itoobiya Tiqdham)”ayuu yidhi Mingistu.
Ka soo qayb galayaashii shirku waxay soo jeediyeen ama iswaydiiyeen su’aalo ay ka mid yihiin: “Mustaqbalka dalka Itoobiya dawlad noocee ah ayuu u baahan yahay”, iyadoo ay ka soo qayb galayaasha shirku soo jeediyeen fekrado kala duwan.
Gaashaanle Mingistu waxa uu taagnaa minbarka (Stage) hoolka lagu shirayey, wuxuuna sabuuradda ku qorayey fekradaha ay soo jeediyaan ragga shirka ka soo qayb galay, markii laga jawaabayey su’aasha ah Itoobiya dawlad noocee ah ayey u baahan tahay mustaqbalka waxa badka la soo dhigay saddexdan hindise oo uu qorshuhu ahaa in la kala doorto ama mid uun la qaato:
1- Dawlad boqortooyo ah, laakiin distoori ah.
2- Dawlad dimoqraadi ah oo dadweyne.
3- Dawlad ku dhisan xukun milateri.
Waqtigaa in la yidhaahdo boqortooyada hala rido laguma dheeraynayn oo waxay ahayd wax laga baqayo, taasina waxay sababtay in la isku raaco qoddobka koowaad ee ah “Dawlad boqortooyo ah oo distoor leh”.
Markii ay dhamaatay qaybtii hore ee shirku ayaanu qaadanay 15 daqiiqo oo nasasho ah, waxaanuna intii aanu nasashada ku gudo jirnay iswaydiinay su’aasha ah “Hadii aynu doonayno inaynu samaysano qorshayaal iyo shuruuc cusub waa inaynu doorano gudoomiye cusub”, hadalkaana aad bay dadkii meesha joogay ugu farxeen ama u soo dhoweeyeen.
U malayn maayo inuu Mingistu hore u soo qorshaystay ama uga soo fekeray in loo doorto gudoomiye, laakiin markii ay dhamaatay 15-kii daqiiqo ayaanu guda galay qaybtii labaad ee shirka, waxaana la bilaabay Xulashada iyo doorashada gudoomiyaha, waxaase gudoomiye loo doortay Mingistu, halka gudoomiye-xigeenna loo doortay Gaashaanle Atnafu, hase yeeshee waxaanu damacnay inaanu doorano agaasime, waxaase diiday Mingistu, cidina kama ay soo horjeesan diidmadiisaa. “Maadaama aad I aaminteen oo aad iga dhigateen gudoomiye aniga ayaa dooranaya agaasimaha”ayuu yidhi Mingistu, wuxuuna markiiba agaasime u magacaabay saaxiibkii Korsametun Gabrayas Waldahana.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu noo yimi nin la yidhaahdo Shimalis Adunya, wuxuuna nagu yidhi waxa jira wax aan doonayo inaan idin tuso, wuxuuna naga codsaday inaanu la daawano waxa uu doonayo inuu na tuso, waanu ka yeelay, waanuna raacnay, iyadoo intayada markaa raacday aanu dhamaantayo ka mid ahayn ururka DARG oo qudha, wuxuuna na daawisiiyey cajalad uu duubay nin la yidhaahdo Jonatan Dembil. “Abaarihii la qariyey”ayuu cajaladda ciwaankeedu ahaa, waxayna ka hadlaysay abaaro ba’an oo dadka ku dhaqab gobolka Wallo ee dalka Itoobiya si xun u baabi’iyey. Run ahaantii muuqaalkii cajaladaa nagaga soo baxayna waxa uu ahaa wax naxdin leh, isla markaana waxa noo muuqday wax qalbiga aadamaha aad u damqaya. Laakiin markii aanu daawanay cajaladaa waxaanu dhignay meel qarsoodi ah,waxaanuna bilownay dedaal ku saabsan sidii aanu u heli lahayn fursad aanu dadweynaha reer Itoobiya ku daawisiino cajaladaa, laakiin intaa ka hor waxaanu sii wadney borobagaandho aanu ku afuufayno boqorka iyo maamulkiisa, waxaana noo hirgalay waxyaalo badan.
Lij Indhalkashaw (Madaxa golaha wasiirada) oo ahaa nin ay sidiisaba shaqadu ku badnayd ayaa waxa aanu ogaanay inuu doonayo inuu burburiyo guddigayaga iyo weliba inuu laayo kuwa na taageersan, waxaana Lij Indalkashaw arintaa kala shaqayn jirey golahiisa wasiirada iyo niman ka tirsan ururkayaga (DARG), wuxuuna Lij Indalkashaw sir ahaan ugu sheegay qaar wasiiradiisa ka tirsan inuu maleegayo sidii u baabi’in lahaa ururkayaga DARG, waxaana warkaa noo soo sheegay nin aanan doonayn inaan magaciisa sheego, sababtii keentay in la xidh-xidho Lij Indalkashaw iyo saaxiibadii waxay ahayd sheekadaa”ayey ku dhamaatay warbixintii taliye No.22… La soco cadadka dambe.
Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha yuub-yuuban ee ilaaq aqoonka ah iyo hirarka jiif-jiifa ee kaftan boobka ah.
Akhyaartayada indhaha dhegaha qool-qoolaabanow waxaanu iminkana idin huluuqsiin doonaa war iyo wacaal wixii aan caro-edeg idiinka soo faromaroojiyey, waxaana maanta idinku cawdhin doono weriye Ina Af-buushe.
Dawladda Atoobiya ayaa dhexda ka qaniintay dhabada isku xidha Carada shankaroon-Land iyo gobolka Shanley ee ku yaal Ardal xabash. Qaniinyadaana waxa gawsahooda ula tegey askarta Tigreega kuwa ugu gawsaha waaweyni, laakiin inkasta oo aanay weli jidkaa laba ugu kala goynin, hadana waxa la sheegay inay sii socoto qaniinyadaasi, cid ka fujisayna aanay jirin.
Qaniinyadaa waxay dawladda Ardal-xabash ka talisaa ku hadhawaajiday moodharo badan oo u gurgursanaa gobolka Shanle ee xabashi-Soomaliga ah, halkaas oo ay shaar-shaari haankasta lihi macdaaro ku leeyihiin, taa oo uu Tigreeguna ka yaabay waxa googoorado lagu iibinayo, halkaas oo iga iibi iyo kaa iibin maayada ka baxaysay ilaa Haadaamo laga maqlayey.
Qaniinyadan cusub waxa la sheegay inay tahay xayraanimo ka dhalatay gibir la’aan lala baraystay gobolkaa, taas oo ay dadka gobolkaa degan soo food saartay Yalam-nimo xagga cashuurta ahi, iyadoo ay dadkaa gobolkaa degani isugu jiraan xoolo raacato iyo qayilaad raacato, waxaana la sheegay inaanay ahayn qaar u taag haya gibir laga qaado ilaa iyo inta ay dhiigsanayaan ama ay mirqaanka dhan u soo kala dhacayaan.
Amuuruhu sida ay doonaan ha ahaadeene indhowaale xabashida iyo Shankaroon-land waxa ka dhexeeyey caashaq dublamaasaysan iyo jacayl nabadgelyo, waxaana laga yaabaa in qaniinyadan cusub wada jir loo tinish-gareeyo.
Baarlamaanka Caro Maraykaan ayaa qumaati ugu Baridhaan Buushe inuu wuxuu doono ku basiyo Ciraaq oo beryahan-ba laba-dible looga hayey.
Baarlamaanka Maraykaanku markii ay arkeen badownimada ka muuqatay Ina Buushe ayey ku yidhaahdeen “Goo Ciraaq are Yuu Haaf waa waxaad ka gurtaaye”.
Biridhaan Buushe oo beryahanba caashaq dagaal la golon-golsanaa waxay isaga iyo aabihiiba go’aansadeen inay Ciraaq sidii wax waallan ugu tuntaan, waxayna durba sii magacaabeen nin janaraal ah oo la sheegay in loogu talo galay in badhasaab looga dhigo hanbada ka soo hadha marka Ciraaq la maduuro ee xukunka laga faro maroojiyo wiilka qayuurka ah ee hadda reer Ciraaq ku hor kaaja, Sadaam Yare.
Dhabarka kalena warar ka firxaday xagaa iyo ardul-shaam oo hawada ka hal-qafay ayaa sheegay inuu Sadaam yare hadda bilaabay bahal qooq cusub ah oo uu kuwii haween ahaa gamta u joogsaday, ka dib markii uu ku war helay inuu gaalkii reer Maraykaaan ku soo maqan yahay, wuxuuna dhowaan bahal meher ah ku daqiiqay afo laankaa le’eg, taas oo la kala saari la’yahay inuu baqe guursaday iyo inuu cawaandad guursaday.
Gabadhaas oo la sheegay inuu Jarmalku abti u yahay ayaa loo malaynayaa inuu xiditimo gaalo uga dhowaanayo oo uu is leeyahay yaanay nimankaa reer gaalo isu kaa raacin ee qaarkood ha yidhaahdeen wiilku gabadh-gabadhi dhashay buu qabaaye ha inoo dhaafina, laakiin, isaga Sadaam yare saddex Afo oo hore hayey ayaa mar la waydiiyey waxa xiligan ay gaalada isdilayaan ku kelifay gabadh ay abti u yihiin gaalo waxa uu ku jawaabay “Jahaad fii sabiililaahi, yacni jahaad uun baan ula niyooday”.
Dawladaha Faraaska iyo Biridaaniya ayaa ka wada tashanaya sidii loo soo taandhayn lahaa ee maxkamad loo horgayn lahaa lix ka mid ah kaneecada gud-guduudan oo lagu eedeeyey inay yihiin Argagixiso hagaastay oo caalami ah.
Kaneecooyinkan oo isugu jira laba kaneec iyo afar kaneeco sida la sheegay waxa la qabtay, iyaga oo diyaarinaya hawl-gal ay ku qaniinayaan madaxweynayaasha Faraaska iyo Biridaaniya.
Kaneecooyinkan oo hadda ku xidhan Mal-khabad ay leedahay Afo ka mid ah sirdoonka guud ee reer galbeedka waxa laga yaabaa in la buufiyo hadii uu ku cadaado dembigaasi.
Qaar ka mid ah bilayska Hargeysa ayaa war markii dambe la isku qabsaday ula horraday qaar ka tirsan war-boobayaasha Hargeysa jooga, warkaas oo aanan anigu rumaysan waxa uu sheegayey in meel halkeer ah lagu arkay nin qof yar dubanaya, ka dibna isaga oo qadaadka mindi kaga haya hal-haleel laga gaadhay.
War-cabsiyeedkan oo suuqa lagu faraqay ayaan anigu u kala garran waayey inuu ka dhashay qaad la’aan maca dubaab iyo inuu ka dhashay murqaan-murqaan gaadhay, taas oo aan u maleeyey inay cidii warka soo tuurtay ka soo hal-qaftay meel u dhexaysa ismajiir iyo riyo-curi.
War-cabsiyeedkani waxa uu sheegayaa in la arkay nin milikhsanaya oo qadaadka mindi kaga haya wiil yar. Ninkaas oo aan la arag meel uu qof ku idlaystay ayaa wiilkaa yari sheegay inuu cad yar ka goostay, intiisa kalena uu sigay.
Ninkaas oo ay bahal busaarad ahi ka muuqatay ayaan anigu markii aan arkay is idhi malaa kani dad iyo xoolo toona ma cunin, aniga oo ka baqay inay naftuba ka kogto. Waxaana u maleeyey nin ay isu raacday qariibnimo iyo hubsiimo la’aan.
Habar sawirkiisa ka carartay ayaa tidhi “ilkoweyne muxuu habar aynigayga ah cunay, bal day sida uu aragiisu u yaalo”, laakiin habar kale oo ka naxday busaaradda iyo rif-rifka ka muuqday ninkaa ayaa, iyadoo la hadlaysa dad xayraansan oo war-cabsiyeed ka hiin-raagaya tidhi “Nimanyahow hadii idinka la idinka baqayo ninkaasi waa dad-qal, hadii ilaahay laga baqayona ninkaasi dad iyo dameero midna ma cunin”.
Ninkaas oo lagu taandheeyey shooki yar oo u dhow jabadka ay diyaaraduhu ku gel-gelimaystaan ayey qaar askar ahi ii sheegeen inuu ninkaasi ka soo baxsaday jeel-magnuun lagu oodeeyo dadka waallan ee aanay cidina arag meel uu dad ku cunay.
Wasiirka daakhiliga ee Shankaroon-land ayaa isna u khajilay cidii warkaa dadka ku sii dhexdaysay, isaga oo yidhi “Wixii ciyaalka lagu seexin jirey ayey maanta dadkii waaweynaa ku cabsiinayaan”.
War cabsiyeedkani inkasta oo uu guryaha ku shakaalay dad badan oo miroodnimo looga taag la’aa waxay hubsiimo la’aantiisu hawl yari u waxyeelaysay dad badan oo dar ilaahay dawero ugu qadhaaban jirey.
Dhegaystayaashadayada dhegaha qal-qaloocow maanta halkaa ha inoo joogo wixii aanu war idiin soo fara maroojinay, iminkana waxaanu idin huluuqsiin doonaa qader xayeysiis ah.
Shirkadda la yidhaahdo Liibaana Kembeni waxay dadweynaha reer Somaliland ogeysiinaysaa inay laamo ku leedahay dhammaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland, isla mar ahaantaana waxay ugu bishaaraynaysaa inay tahay shirkad ku caan baxday waxa afka Carabiga lagu yidhaahdo Al-dawera, afka Somaligana lagu yidhaahdo Wal-barya, shirkadaas oo ay adeegyadeedu yihiin mush-intahaa walaa dhamaad, waxay shaqaaleheedu kuu qabanaysaa adeegyo kala duwan, sida hanbada cuntada oo ay ka qaadaan, qashinka oo ay kaa ururiyaan, lacagta giin-baarta oo ay kaa nasiyaan iyo waxyaalo kale. Intaa waxa kuu dheer cuntada hanbada ah iyo cuntada baarixi garawda oo lagu samaynayo dib-uhabayn, taas oo inta cadceedda loo dhigo marka ay qalasho jawaano lagu cabaynayo, cuntadaas oo dib loo cuni karo waxa lagaa siinayaa sicir jaban, adiga oo ku dhergi doona dhawr sumuli. Hadaba ha moogaan adeegyada shirkadda Liibaana Kembeni oo aad shaqaalaheeda ka helayso geed iyo gel-gelin kasta, kuwaas oo labada gacmood-ba kugu salaamaya oo xataa hadii aad salaanta ka qaban waydo kugu khasbaya.
A |
rrintii iyo aqalgalkii ayaa noqday habeen dambe oo 8dii September sanadkii 1983kii, markii la gaadhay habeenkii uu ahaa balantii arooska iyo aqalka Najiib mayjirin wax aan loo diyaar garoobin oo ah hawlaha arooska Najiib iyo Luul, Najiib ayaa gacanta soo qabsaday Luul, oo ka mid ahayd 10ka hablood oo huwan dharka hidaha iyo dhaqanka u ah dalkeena iyo dadkeena sidii ay caadadu ahayd markii uu gacanta haleelay Najiib Luul ee ay bilaabeen socodkii dhinaca gaadhi madow oo kaga duwan baabuurta kale ee galbinaysa arooska ubax ku gadaaman guudkiisa, mashxarad, sacab, iyo hadal farxadeed dhawaaqyo la socdaan oo cirka isku shareeray ayaa keenaydad fara badan oo isa soo dhoobay halkii ay baabuurtu taagnayd socodka Luul wuxuu ahaa hanaan qurux badan, waxaana quruxda socodkeeda sii wanaajiyay Najiib oo ay gacmaha is haystaan, Amuun oo garabka kale ka socota, Najiibna waxaa dhinac socday mixiiskiisii oo ahaa Jaamac Irbad, tiro hablo ah iyo tiro inamo ah oo iyana u labisan sidooda oo kale ayaa isku lamaanaynayay socod xarago leh iyo ubax midabyo leh oo ay u saydhinayaan si goos goos ah, mushaaxii baabuurta siday gaadhiga ka bacdi reer Najiib waxaa taagan gurigii ay u asteeyeen inay nolosha ku wadaagi lahaayeen, markii ay fadhiisteen arooskii, aroosadu mixiiskii iyo mixiisada halka loogu talo galay xaflada aroos, ayay u yara kaceen Najiib iyo Luul iyagoo uu midba midka kale uu gacmihiisa ku saaray kan kale kabo ama laba kabo oo caano ah kuna jiray weel ay caanaha ku lisaan kana cabaan xoola dhaqatadeenu ee loo yaqaan “Gorof” bilicda quruxdaee dhalinta ku labisan hidaha iyo dhaqanka, shablaha timaha xamran, sacab, mashxarada hambalyada bogaadinta, ka dhacday halkaas ayaa ahayd turjumad wanaagsan oo muujinaysa farxad.
Maaweelo, heeso kooban, gabayo, iyo ciyaarta hidaha iyo dhaqanka oo ay jiibta iyo jaanta israaciyeen hobolo hablo iyo inama heer sare ka gaadhay habsami u ciyaarka ciyaarahaas, aroos lagumana raago lagamana raago ayaa ahayd gebgebadii lagu soo afjaray xafladii arooska ee habeenkaas,.
Habeenkaas waxaa u bilowday Najiib iyo Luul xidhiidh ka duwan kii hore oo ah inay ay markii hore ku kala hoyan jireen laba hoy, waa habeen labadooduba sugayeen in badan waa xidig iyo xidig oo isku si u qorma laakiin kala sheegaya lab iyo dhedig ka ah haldoorka kulankaas sida arooska ay ku jireen Najib iyo Luul.
Todobaad xaflad aroosa ayay dhamaysteen, Najiib iyo Luul, waxa xiise badan lahaa fijaankii, hal xidhaalihii iyo jawaabihii iyo maaweelooyin la socday fadhigii xafladihii arooska Luul waxay soo jeedisay eegmooyin ka imanaya ka soo qaybgalayaashii arooska gaar ahaan ragga, Amuun oo ahayd mixiisada Luul ayaa kaalin weyn ka qaadatay dejinta dareenka Luul.
Xiise duugoobay kalgacayl joogta ah, Hee Najiib, Haa Luul, jawi qurux badan oo ka yimid jacayl laba dhinaca oo ay isu qabaan Luul iyo Najiib ayaa hadheeyay qoyska reer Najiib.
Toddoba bixii arooskooda waxay luul iyo Najiib ku tageen beero ay qurxiyeen noocyada geedaha leh midhaha la cuno iyo khudrada oo kaabiga ku haya dooxa Arabsiyo ee loogu magacdaray magaalada Arabsiyo dhex mushaaxii beerta, nasasho iyo indhahoo ku doogsaday quruxdii beerta waxaa u raacday casuumadii hadhimo ee la socotay, waxayna ku soo khatimeen, daawasho, dalxiis, iyo tamashle raali galiyay arooskii iyo aroosadii, haddiyada khudrada oo u badan liin macaan, Saytuun, cambe cad, Rumaan, ayay kala soo ambabaxeen galanimadii oo ay dib ugu soo noqdeen Hargeysa Luul iyo Najiib, Amuun Jaamac Irbad.
Sawiradii ay ku galeen xeebta Berbera iyo kuwii beeraha Arabsiyo ee Luul iyo Najiib oo ay weheliyaan Asxaabta ayaa noqday muuqaalo qurux badan oo ay daawadeen qaraabada iyo Asxaabta soo booqata reer najiib.
Jaamac Irbad oo arooskii Najiib Mixiis ka ahaa ayaa u sii durkay dhinacii taageerada guurka isagoo u bogay nolosha qoysnimo sida ay uga wanaagsan tahay keli noolaanshaha marka uu qofku gaadho xiliga ku haboon, waxaanu Jaamac Irbad, uu taa aad ugu sii badayay sheekada ay ku sheekaystaan isaga iyo Cali Suudaani oo ah saaxiibkii, laakiin ugu damabayntii Jaamac wuxuu goostay in talaabada guurka ku dhaqaaqo marka ay u suurta gasho fursad shaqo ah oo uu beryahan raajicinayay isagoo Jaamac hoos isu la hadlayay wuxuu yidhi “walee sanado kale ima dhaafaan anigoon guursan, haddii aan noolaado” si taas uu ugu diyaargaroobo wuxuu Jaamac Irbad bilaabay inuu ka gaabiyo hasaawe tagii joogtada ahaa ee ay isaga iyo Cali Suudaani ka dhigan jireen sidii Shift shaqo oo ay habeenkii galaan, waxaanu ka joogay balano hore oo ay isaga iyo Cali Suudaani la lahaayeen hablo, Jaamac Irbad maahmaah ayuu ugu jawaabay Cali Suudaani oo ka xanaaqay sida uu Jaamac Irbad ugu badhi furay lamaanihii ay ku ahaayeen dhinaca dhalinyareynta waxaanu yidhi Jaamac “hansi gabadheed habaar waalid iyo hadimo xoolaad midna lagama hodmo” Jaamac oo u sababaynaya Cali Suudaani sababta aanu u raacayn ayaa ku daray maahmaahdaa hore Caliyow haasaawe walba waxaynu u galnaa balano aynaan fulinayn markaa anigu balan dambe oo aanan fulinayn gali maayo, hal balan oo aan u fulin doono sida uu yahay arrintaa ayaa ii qorshe ah sidaa igu ogow ayuu u raaciyay Jaamac hadalkaa uu xogtiisa qorshe ku siinayay Cali Suudaani.
Diidmadii Jaamac ka dib Cali kaligii ayaa u baqoolay halkii uu ahaa kulanka hablaha ay muddo aqoonta isu lahaayeen isaga, Jaamac Irbad iyo Najiib oo isagu xaas yeeshay.
Cali Suudaani markii uu u tagay hablihii isagoo kaligii ah waxaa dhacday in maadaama uu kaligii yahay ay hablihii ka cudurdaarteen inay sii wada joogaan sidaas daraadeed waxay ku kala yimaadeen sidaa iyo is-arag dambe. Cali Suudaani habeenkaas wuxuu dareemay qalo iyo in aan arrimaha ugu fulaan sidii uu doonayay waxaanu dareemay waxoogaa jawi ah oo aan raali galin, waayo wuxuu qabatimay, Cali Suudaani bulshanimo ay inta badan sheeko iyo kaftan ay isku maaweeliyaan isaga iyo saaxiibadii, caawa laakiin Cali Suudaani kaligii ayuu lugaynayaa, waxaana sanqadh u sameeyay socodkiisa uu dulmarayo dhul leh dhagax, haba ka hadhaan saaxiibadiiye waxaa intaa u dheer iyana caawa waxaa Cali Suudaani ka maqan arrin kale oo u noqotay balwad uu u xaraaroodo sida sigaarka iyo jaadka, dadka cunaa ay dareemaan waa saacadihii uu waqtiga isku dhaafin jiray hablaha oo ay dhexmari jireen sheeko iyo hadalo ay ka duwan yihiin sida afka la isaga odhanayo iyo mawqifka dhabta ah ee ku jira caloosha Cali Suudaani, Cali caawa wuxuu eeda saarayaa dhiniciisa saaxiibkii Najiib oo isagu guursaday sidoo kalena dareensiiyay Jaamac fikirka ah in qaabkan haasaawaha aan lahayn ujeedada dhabta ah ee lala yeesho haweenku aanu ahayn dariiq mustaqbal, rajo, horumar, iyo wanaag u leh ragga iyo dumarkaba, taasina ay keentay in uu Jaamac Irbadna dib uga gurto arrimihii iyo qaab dhaqankii ay ku saaxiibka ahaayeen, Cali Suudaani, muddo dheer.
Noocya Shabeelka Ka Mid Ah Oo Dunida Ka Dabar Go’ay
S |
habeelka oo loo yaqaan magaca Panthera Tigris marka laga hadlayo cilmiga barashada noolaha waxaa la soo dersay ugaadhsi iyo dil ay kula kaceen dadku noocyadii kala duwanaa ee shabeelka ku nool dunida, taasoo keentay in faracyo noocyo ay ka mid ahaa shabeelku in ay ka dabar go’een dunida.
(3) saddex ka mida sideeda nooc ee loo qaybiyo shabeelka ku nool dunida ayaa laga waayay dunida shanta nooc ee soo hadhay iyagana waxaa gaadhay oo ay dadku gaadhsiiyeen dhibaato xaga tirada ay lahaayeen ah.
Shanta nooc ee aan toos u dabar gu’in ee shabeelka hadda dunida ku nool waxay kala yihiin
P.T. Ataica, P.T. Amoyensis, Pt. Corbetti, P.T. Sumatrae, P.T. Tigris, shabeelka ayaa baadhis lagu sameeyay muddada uu noolaan karo waxaa soo baxday in uu duur joog ahaan kaymaha ku noolaan karo muddo (10) sanadood, Toban sanadood haddii shabeelka la xanaaneeyo oo la geeyo beeraha daryeelka xayawaanka shabeelku wuxuu noolaan karaa 26 lix iyo labaatan sanadood. Shabeelka waxaa lagu qiyaasay in uu yeesho miisaan dhan 180-280kgs kiisa lab, 115-185kgs kiisa dhediga, dhererka jidhkiisa ayaa lagu qiyaasay 140-280cm, dabadiisa ama dubka ku yaal ayaa isna gaadha dherer ah 60-110cm, 80-110cm ayaa gaadha jooga shafkiisu.
Muuqaalka guud ee shabeelka waxaa lagu tilmaamay xayawaanka u weyn noolaha sida bisada oo kale u abuuran, waxaana muuqiisa lagu gartaa diilimo madmadow oo ku yaalla dhogor huruuda, oo cadaan ka ah bogga.
Arrinta xusida mudan ee shabeelku waa sida faraha dadka ee kala duwan marka laga qaado suulka khadka la mariyay ay u duwanyihiin ayay diilimaha jidhka shabeelku aanu shabeel shabeelka kale ula mid ahayn. Nooca shabeel oo ah cadaan ayaa markiiugu dambaysay la diiwaan galiyay noloshiisa sanadkii 1951, shabeelka noociisa cad diilimihisu waa maariin halka ay kuwa kale madawga ka yihiin.
Shabeelka ku nool dunida ayaa laga helaa dhulka u dhaxeeya Hindiya ilaa Siberia, iyo dhinaca bari ee qaarada Aasiya.
Shabeelku wuxuu ku tarmaa dhulkaa kaymaha ah, waxaa kale oo uu ku noolaadaa, dhulka cawska leh.
Shabeelku wuxuu quutaa xayawaano uu ugaadhsado sida deerada, doofaarka, shimbiraha, xamaaratada, maroodiga dhasha ah, harima cadka, iyo mararka qaar shabeel kale.
Nolosha shabeelka waxaa ka mid ah waxyaalaha loo eego deegaanka uu aad ugu noolaanayo sida ay u leedahay biyo joogto ah.
Dabiicadaha xayawaanka shabeelka waxaa ka mid ah isagoo u nool gooni gooni “lab Dhedig, iyo dhashooda” laakiin waxay iman karaan iyagoo wada dilaaya xayawaan ay cunaan. Shabeelku wuu dabaalan karaa dhulka ay biyuhu fadhiyaan.
Sidka shabeelka dhidig waa (104) boqol iyo afar maalmood waxaanay markiiba dhashaa 2-4 dhalood oo la noolaada hooyadood ilaa 2 sanadood intaanay ka galin oo aanay ka tagin hooyadood, shabeelka lab wuu ka tagaa deegaanka uu ku dhashay, laakiin shabeelka dhidig, waxaa dhacda in uu meel kula noolaado hooyadii.
Shabeelku wuxuu ku jiraa xayawaanada aadka ay dadku u ugaadhsadaan waana sharci darro, ka baayacmushtarista dhogortiisa, saantiisa, iyo qaybaha kale ee jidhkiisa, daryeelka shabeelku waxay ka mid tahay kuwa u diiwaan gashan hay’adda IUCN ee ilaalinta deegaanka iyo dabiicadda, nooca shabeelka shiinaha iyo P.T. Altaica ayaa ah kuwa xaaladooda lagu tilmaamay in si qayru xad ah loo dabar jarayo.
Shabeelka waa ka mid xayawaanada ku noolaa deegaanka Somaliland, waxaase hubaala in uu tiro ahaan aad u yaryahay, hadda ama uu kaba dabar go’ay Somaliland falal xadgudub ugaadhsi awgii.
Ghana, Morocco Iyo K/Afrika Oo U Soo Baxay Isreeb-Reebka Koobka Qaramada Africa
Dakar – Senegal (AP) – Kooxda kubadda cagta ee xulka dalka Ghana ayaa u soo baxay is-reebreebka koobka qaramada Afrika maalintii Axaddii ee toddobaadkan, kadib markii 4 gool ay kaga badisay kooxda ku ciyaaraysay magaca dadka Rwanda, oo iyagu laba gool oo keliya dhaliyay.
Charles Taylor ayaa ahaa xiddiga kooxda Ghana ee ku guulaysatay ciyaartii dhexmartay iyaga iyo xulka Rwanda, waxaanu Taylor dhaliyay laba gool oo ka mid ah afarta gool ee ay dhalisay kooxdiisu. Dalalka Senegal, Nigeria iyo Tunisia ayaa ka hadhay isreeb-reebka koobka qaramada Afrika.
Kooxaha dalalka Morocco, S. Africa iyo Liberia, ayaa iyagana kooxahooda kubadda cagtu ay u soo baxeen tartanka koobka kubadda cagta ee kooxaha qaramada Afrika.
Morocco waxay soo baxday markii ay toddobaadkan 5 gool iyo eber ugu itaal sheegatay kooxda Equatorial Guinea, oo kula ciyaartay caasimadda dalkooda ee Rabat.
Kooxda Koonfur Afrika oo marti u ahayd Burundi ayaa iyaguna 2-0 kaga badiyay kooxdii xulka qaranka ee Burundi.
Liberia ayaa xulkeedu 1-0 kaga adkaadeen kooxda qaranka ee Nigeria, ciyaar ka dhacday xarunta Liberia ee Monrovia. Zimbabwe ayaa iyaduna gurigoodii Asmara kaga adkaatay gool iyo eber kooxda u ciyaaraysay qaranka Eritrea.
Ciyaarta ay Morocco 5-ta gool ka dhalisay kooxda dalka Equatorial Guinea, waxaa goolasha u kala dhaliyay kooxda Morocco Adil Ramzi ayaa daqiiqaddii 8aad ee ciyaarta goolkii u horreeyay u aftaxay, daqiiqaddii 24aad ayuu goolkii labaad u dhashay Morocco, waxaana dhaliyay Mustafe Bidodane. Daqiiqaddii 27aad ayuu saddexeeyay goolasha ay dhalisay Morocco ciyaaryahankooda Yousuf Safri. Dhaammaadkii qaybtii hore ee ciyaarta ayuu goolkii afraad ee Morocco uu dhaliyay Rachid Rocki.
Goolkii ugu dambeeyay ee Morocco wuxuu dhashay daqiiqaddii 54ad ee ciyaartaas, waxaana dhaliyay Nuuradiin Kacimi.
Kooxaha dalalka Zimbabwe iyo Eritrea ayaa ku wada jiray guruubka 6aad ee isreeb-reebka, waxaa goolka ay guushu ku raacday xulka Zimbabwe ciyaartii ka dhacday Asmara u dhaliyay Peter Ndlovu.
Holland Oo Fursad Adag Ugu Soo Gudbaysa Koobka Yurub Ee 2004
Kadib markii ay kooxda xulka dalka Holland ay ka hadheen isreeb-reebkii ciyaarihii kubadda cagta ee koobkii adduunka ee sannadkan ayaa waxay kooxda reer Holland ay u hawlagalayeen in ay u soo baxaan koobka horyaalada Yurub ee 2004.
In ay kooxda Holland u soo baxaan Euro-2004 iyo inkale, waxay ku xidhantahay guusha ama guul-darrada kolba wixii ay noqoto natiijada ciyaar beri dhexmari doonta kooxda dalka Austria oo ka dhici doonta Vienna.
Xulka Holland, waxaa ciyaarta Arbacada aan u safan doonin oo ka maqnaanaya weeraryahanka Ruud Van Nistelrooy ee u ciyaara kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska. Waxaa isna sidoo kale ka maqnaan doona Pierre Van. Inkasta oo isreeb-reebka koobka Yurub ee kama-dambaystiisa lagu qabanayo Portugal sannadka 2004 uu marayo wareegii saddexaad, haddana waxaa muuqda in 18 ciyaarood oo dhacaya beri Arbacada oo ka mid ah koobkaasi ay yihiin ciyaaro adag.
Xulka Talyaaniga oo lagu reebay ciyaarihii koobka adduunka ee 2002 Japan/Korea, wareegii 16-ka kooxood ayaa niyad-jab kala kulantay markii ay gool iyo gool barbaro ah noqdeen ciyaartii ay iskaga horyimaadeen kooxda dalka Yuguslaafiya oo ay ku wada jireen guruubka 9aad ee kooxaha Yurub.
Madaxa kooxda Talyaaniga Giovanni Trapattoni, ayaa og in haddii kooxdiisa ay guul-darro la soo deristo ciyaarta ay la ciyaarayaan kooxda Wales ee ka dhici doonta Cardiff oo xataa barbaro haddii ay keenaan ciyaartaas ay Talyaanigu ka hadhayaan isreeb-reebka Euro-2004. waxa qudha ee ay ku soo bixi karaana ay tahay iyaga oo guulaysta.
Haddii ay Wales guulaysato ciyaarta ay Talyaaniga la yeelanayso waxay hoggaanka u qabanaysaa Guruubka ay ku wada jiraan Finland, Yuguslaafiya iyo Talyaanigu.
Ciyaarta beri ay Jarmalku la ciyaarayaan kooxda Jasiirada Faeroe ayaay filayaan inay u saftaan Jarmalka xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Micheal Ballack iyo Dietmar Hamman.
Michael Skibbe oo ah kaaliyaha madaxa tabobarka ee kooxda Jarmalka ayaa ku warramay in Michael Ballack oo ka soo roonaaday dhaawac uu qabay. Qorshahan in labadaa ciyaartoy ay ciyaarta beri u saftaan Jarmalka waxaa wata tabobaraha kooxda Jarmalka Rudi Voeller, oo doonaya in si toos ah kooxdiisu ay u guulaysato ciyaartan, si ay u noqoto tan ugu sarraysa kala horraynta kooxaha ku wada jira Guruubka 5aad ee tartanka Euro 2004, oo ay uga kor maraan kooxda Scotland.
Jariidada maalinlaha ah ee B.Z, ee ka soo baxda Berlin ayaa qoraal ay qortay cinwaan uga dhigtay “Miyay kubadda cagta ee Jarmalku maalmahan shaqayn kartaa haddii uu Ballack ka maqan yahay.”
Jarmalka ayaa soo dhoweeyay war wanaagsan oo uga yimid dhinaca xidhiidhka kubadda cagta ee Yurub oo oggolaanaya inuu u ciyaaro ciyaarta berito difaaca koowaad ee Kooxda Jarmalka Christian Woems oo qabay warqad cas ciyaartii ay la yeesheen Bosnia.
Kooxda Jarmalku waxay dood ka horkeeneen go’aankii garsoor ee ku dhacay Christian Woems, markii ay is-jiidheen Salihamdzic oo aan u qalmin kaadhka cas ee la siiyay.
Tabobaraha kooxda Jarmalka Ruudi Voeller ayaa wer-wer ka muujiyay kaalinta ay kooxdiisu ka geli doonto koobka horyaalada Yurub ee 2004, iyo kuwa koobka adduunka 2006 ee ay Jarmalku martigelin doonaan. Werwerka tabobare Voeller wuxuu ku salaysan yahay kooxdiisa oo aan ka soo hoyn guulo wanaagsan ciyaarihii tijaabada ahaa ee ay la yeelatay kooxaha kale ee dalalka adduunka.