Haatuf News

 

Issue: 182________________________________ Jimce, October 16, 2002

 

 

 

Xuskii maalinta caalamiga ee haweenka reer miyiga

H

arg (Haatuf): Xuska sannadkan ee 15 October, oo ah maalinta caalamiga ah ee loo aqoonsan yahay haweenka ku nool miyiga ayaa xaflad lagu xusayo maalintaas shalay lagu qabtay xarunta Horumarinta Haweenka iyo waxsoo-saarka oo ku taal dhinaca galbeed ee Dooxa Arabsiyo ee magaalada Arabsiyo.

 

Barnaamij wax-qabad oo ay fuliyeen hay’adaha UNIFEM, hay’ada Q. Midoobay u qaabilsan haweenka, hay’adda CIN’S, ayaa shalay ka mid ahaa waxyaabaha lagu soo bandhigay xafladdaas.

Kulankaas waxaa ka soo qaybgalay wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Bulshada, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Cabdul-karim Bah, oo ah madax-goboleedka hay’adda Cin’s, oo uu fadhigiisu yahay Nairobi, haweenayda Hendrica Okondo oo ah madaxa Barnaamijka Somaliland ee hay’adda Unifem iyo Dr. Cali Ismaaciil oo ah madaxa mashruuca Sins ee Somaliland, ahna khabiir ku takhasusay cilmiga Beeraha oo u dhashay Somaliland.

Haweenka Arabsiyo ayaa kulankaas ku soo bandhigay sooryo raashin laga sameeyay dalagyada ka baxa dalkeena, caano, hilib, iyo subag oo dhammaantood ah waxsoo-saarka degaanka Arabsiyo ee degmada Gebilay. Waxaa iyaguna si xiiso leh uga soo qaybgalay kulankaas laba xubnood oo ah haween u dhashay dalalka Denmark iyo Jarmalka.

Ka qaybalgayaasha xuska haweenka ku nool miyiga oo runtii Somaliland hawneekooda ku nool miyigu ay yihiin kuwo leh karti hawl-qabad oo ka dhigtay laf-dhabar inay u noqdaan qoyska somaliiland ee ku nool miyiga.

 

Dr. Edna oo ka hadlaysay kulankaas ayaa tidhi; “Aniga maanta farxad weyn ayay ii leedahay munaasibaddan aan ka soo qaybgalay. Farxaddayda waxaa u sabab ah waxaan arkay wax qaaliya oo aanan ka filayn waddankaygu inuu leeyahay cilmi-baadhista gashay hawshan, si loo hubiyo abuurkeenu (shinnida beeraha), beeraha aynu ku beerano, nooca ugu fiican, nooca ugu adkaysiga badan, nooca ugu biyo-qaadka yar ee ugu tartanka badan. Waxaad moodaa dadkeenu in ay u haystaan dahabka iyo dollarka waxyaabo u baahan in bangiga la dhigo oo qiimo leh, waxaan halkan ku arkay wax ka qiimo badan lacagta baanka taala oo dhan haddii la isku daro, waayo noloshii banii’aadamka ayay tani saamaynaysaa. Haddii aanu banii’aadamku helin wuxuu cuno, noolaan-maayo, caafimaadna heli mayo, dahab iyo xariir toona xidhan maayo. Waxaa runtii amaan weyn mudan dadkii cilmi-baadhista sameeyay.”

 

Hay’adda Cin’s ayaa ka soo qaybgalayaashii kulankaas warbixin iyo sharraxaad ka siisay hawl iyo cilmi-baadhis dhinaca Shinnida dalagyada ee beeralayda Somaliland Cali Ismaaciil oo ah madaxa Barnaamijka hay’adda Sins ee Somaliland ayaa uga warramay ka qaybgalayaashii shalay ee xuska 15 October laba barnaamij oo ay hay’adda Cins ka fulisay Somaliland oo kala ah Xoojinta waxsoo-saarka beeraha iyo cilmi-baadhista Shinnida iyo tarminteeda.

Barnaamijka ay hay’adda Cins ka fulisay Somaliland waxaa ka mid ah beerisa Lowska iyo sida looga sameeyo saliida.

Cabdi-karim Bah, madax-gobgoleedka hay’adda Cin’s oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in hay’addiisu ay sii wadi doonto barnaamijyada wax-tarka u leh dadka reer Somaliland.

 

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha haweenka, haweenayda madaxda ka ah Barnaamijyada Somalida ayaa halkaas ku soo bandhigtay toban haween ah oo kor loo qaaday ama loo tabobaray aqoonta ku shaqaynta Computerka, kuwaas oo ay Marwo Edna Aadan guddoonsiisay shahaadooyinkii tabobarka.

 

Sheeko

Q:16aad

C

ali Suudaani habeenkii dambe wuxuu baadi-goob ugu jiray inan ay muddo isku dheeraayeen, waa Canab Indho-jacayl, laakiin Cali Suudaani wuxuu dareemay inaanay Canab u fur-furnayn sidii hore ee ay ahaan jirtay. Salaan kadib, si uu sheekada u furo Cali wuxuu ka qaaday Canab buug ay gacanta ku haysay. Markii uu jaldigii buuga akhriyay wuxuu ku arkay magacan “Ayaan-daran”, iyo markii uu xagga hore rogay inanta uu buugu ka sheekaynayo oo ah “Asli”.

Cali Suudaani intuu ku soo jeestay Canab ayuu yidhi; “Oo haddaad buug akhrisanayso ama sheeko miyaad mid awnaagsan soo qaadatid, waa maxay Ayaan-daran iyo waxan aad sidataa?

Canab si deegan ayay u laacday buugii, iyada oo u raacisay; “Cali buugaas, siduu aniga iila taliyay waa mid aan noloshayda xasuusnaan doono.”

Cali ayaa ku celiyay su’aal oo yidhi; “Adiga maxaa kuu keenay Ayaan-darro iyo wax xun, waxaabad tahay Canab Indho-jacayle.” Waxaanu raaciyay Cali Suudaani, gacanta oo uu dhexda soo qabsaday Canab.

Canab ayaa si uu miyir ku jiro isaga furtay gacantiisii, waxaanay tidhi; “Cali caawa si ka hufan sideenii hore ayaynu u sheekaysanaynaa, horta waxaan ku weydiiyay Cali Suudaniyow miyaydaan inan walaalo ahayn.”

Cali oo aan burkaba bahal ka filayn ayaa yaabay oo yidhi; “Haddii aanu nahayna, Haa ilaa 5 hablood ayaanu walaalo nahay.”

 

Canab oo iyada uu hadalkeedu sumad u leeyahay iyo ujeedo ka dambaysa ayaa sii waday su’aalaheedii, waxaanay tidhi; “Oo marka sidan aan iminka gacmahaaga isaga joojiyay miyaad jeceshahay Caliyow in hablihiina uu ku sameeyo nin aan qabin sidaadan oo kale.”

Cali Suudaani ayaa shakiyay oo is yidhi malaha gabadhan aad la joogtaa maaha Canabtii aad toddobada sannadood boggeeda iyo wadnaheeda aad casharada jacaylka sida xooga leh ugu talaashay, markaa Cali indhaha ayuu mar-martay sidii wuxuu hurdo ka soo toosay ama uu indhaha sifaysanayo si uu u arko qofka la fadhiya wejigiisa si wanaagsan; “Xaqiiqa waa Canab,” ayuu hoos ahaan isugu qanciyay Cali Suudaani oo aad moodo in la waabiyay oo aan holin dambe hadda suurtogal ahayn.

Canab markay fahamtay in Cali ay gaadhsiisay halkii ay doonaysay oo uu ka leexday waddadii uu ku soo talogalay ayay u bilowday sharraxa buugii ay haysatay, waxaanay tidhi; “Inanta uu magaceedu markii dambe noqday magacan buuga loogu magac-daray ee (Ayaan-daran), Caliyow waxay lahayd magac wanaagsan, waxaa la odhan jiray Asli. Laakiin sheekadani sida ay qortay dhacdooyinkii la soo dersay aya keenay in ay Ayaan-daran noqoto.”

 

Canab way sii waday sheekadii, Cali Suudaanina wuxuu habeenkaasi ka mid ahaa habeeno tirsan oo uu sheeko ka dhegaystay Canab muddadii sanadaha ahayd ee uu xidhiidkoodu socday, ayaa dhegaha u furay sheekada Canab oo uu hubay in ay caawa isaga ku tahay Alla maxaa meesha ku keenay. Canab ayaa tidhi; “Asli waxay ahayd inan yar oo markaas uun barbaartay, quruxna u dhalatay, laakii waxay mudatay car-caraaf iyo reerkoodii oo dayriyay, sababtuna ay ahayd nin ay habeen qudha la kulantay, kadibna ay uuraysatay, reerkoodiina uu dayriyay, ninkii uurku kulankiisa ka dhashayna uu diiday inuu qaato ama uu caawiyaba. cid iyo ciirsi la’ ayay ku dhacday, reerkoodii isa seege, kii seejiyayna diid, markaa ayaan-daran magacu waa dhibaatadii iyo silicii gaadhay Asli ee ka yimid gefka uu u geystay ninkaasi.”

Halkaa marka ay sheekada marinayso Canab ayuu Cali Suudaani is-taagay oo uu yidhi; “Aniga madaxaa I yara xanuunaya ee xaggii xaafada ma kuu sii yara dhaweeyaa. Canab oo aad moodo in ka gacan-sarraynta ay caawa ka gacan-sarrayso Cali awgeed aad u dhiiran ayaa tidhi; “Walaal Cali toddoba sannadood ayaad been ii sheegaysay, ma caawa oo qudha oo aan run kaaga sheekeeyay ayuu madaxu ku xannuunay, madax kuma xannuunayee waxaad tidhaahdaa sidii uu qaradkaygu ahaa caawa ma tihid Canabeey.”

Cali Suudaani oo diidan inuu runta sheego ayaa dib u fadhiistay, waxaanu yidhi; “Horta arrin aad iila timid oo aan kugu diiday miyay jirtaa, dadka la iskama eedeeyee. Haddaanan wanaag aad talo ku soo jeedisay kugu diidin anigu ma eedbaan leeyahay.”

 

Canab Indho-jacayl oo rumaysan in hadalka sidaa uu u yidhi Cali Suudaani ay markhaati u tahay in aanu ka tanaasulayn khiyaamadii uu kula socday ayaa tidhi; “Oo xilligii aynu is baranay sowdiga garanaya da’daydu intay le’ekayd, ma waxbaan ku weydiin karayay. Ragga iyo dumarka talada raggaa keeni jiray, markaa adigu maxaa dan ii ah ee talo ah ee aad iila timid, xaggaynu fadhiisanaa, seeskaa, geedkaa, halkan ina keen uun baad lahayd.”

 

Canab hadalka ayaa ka soo bixi waayay qoomamayn ay iska qoomamaysay hab-dhaqankii halista u ahaa nafteeda ee ay soo jibaaxday sannadihii tegay, Nejiibna uu ka ahaa jilaaga ilmo oohin ah ayaa ku soo joogsatay, ugu dambayntiina waxay Canab u dhaqaaqday si baraad la’aan ah. Cali Suudaani ayaa isku dayay inuu isaga oo leh Canab, Canab, Canab, laakiin dhego umay lahayn Canab yeedhmada Cali Suudaani, hadalkiisuna wuxuu uga dhignaa Canab rasaas ku dhacaysa jidhkeeda.

 

Cali Suudaani ayaa markii ay in door ah kasii socotay Canab Indho-jacayl, hareeraha eegay si uu u hubiyo bal in cidi ay maqlaysay hadalkiisa, waxaanu kadib u dhaqaaqay jihadii ka horraysay, isaga oo aan ka fikirin waddadii uu u mari lahaa gurigooda. Cali Suudaani wuxuu is tusayaa in ay heshay naag xun oo aan ahayn qof dadnimo leh, “wuxu maxay ahayd, oo ma sidaasay ila damacsanayd.” Ereyadaa iyo kuwo la mid ah ayuu isu sheegayay keligii, laakiin may muuqan dhib ay Canab u geysatay Cali Suudaani, waxa qudha ee uu Cali qaadan la’ yahay ee uu habeenkaa kala kulmay Canab waxay ahayd, iyada oo sidii loo baahnaa u buuxisay kaalinteeda dadnimo oo dood iyo fikrado ka dhiibatay tallaabada ay qaadayso, waxayna habeenkaa Canab iska soo daawaysay boog hore ugu taalay oo ahayd inay ka aamusnaato marka ay fulin jireen ficillo aan iyada u dan ahayn, marka la eego xidhiidhka ay lahaayeen iyada iyo Cali Suudaani, haddii ay dhici lahayd si caddaaladda in loogu gar-qaado Cali iyo Canab waxaa dhici lahayd in uu Cali noqon lahaa ka ku sifooba ceeb iyo cayba ee ula badheedhay ficil aanu walaashii u oggolayn inan ula siman walaashii.

 

Badheedhaha

M

arkii ay dhammaatay shalay warbixintii iyo soo-jeedintii guddigii shuruucda ee golaha wakiilada ee Somaliland ay u soo jeediyeen Golahaas, ayay mudanayaashii fadhiyay gacanta boobeen, si ay u muujiyaan inay talo ka dhiibanayaan arrintan. Runtii waxa muuqata in golaha wakiilada xubnaha ka tirsan ay muddadan dambe si joogto ah u wadaan hawlaha ay u xil-saaran yihiin, waxaana maalmaha ka dhaca xarunta golahaas doodo iyo falan-qayn kala duwan oo ay ku dhiibanayaan fikradahooda. Waa hubaal in uu yahay Gole u qalma in lagu tilmaamo goob ka mid ah goobaha lagaga hadlo qawlka xorriyadda ku saleysan marka aad eegto sida dhiiran ee ay xubnahaasi mararka qaarkood uga doodayaan qodobada horyaalla.

 

Waxaan la hilmaami Karin dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ay kaga hadleen mudanayaasha wakiilada Somaliland arrimaha dhaqaalaha, ugaadha iyo hadda oo ay ka hadlayaan arrin khusaysa distoorka Somaliland. Waa arrin ku caan dalkeena in si khaldan loo qiimeeyo kaalinta qof ama hay’adi kaga jirto hannaanka wax-qabad ee xilligaa socda oo la siiyo tilmaan aan run ku ahayn xaqiiqda jirta oo ka dhigaysa qof ama meel aan waxba qaban. Dhinaca kale, in qiime weyn la siiyo qof ama hay’ad aan kasban oo weliba leh hadimo waa arrimo iyagana la arki karo mararka qaar, waxaanse la dafiri Karin doodihii ay wadaniyadda iyo aqoontu ku dheehnayd ee ay mudanayaashu kaga qaybqaateen xaqaa’iqa arrimaha dhaqaalaha ee ka jira Somaliland iyo xeerkii ugaadha, waana arrimo loo baahan yahay inay ku kasbadaan oo ay muwaadiniinta Somaliland qaddarin iyo qiimaynta ugu kordhiyeen wakiiladooda.

 

Marka loo soo noqdo arrintan hadda ee ah ka fikirka sidii looga hortegi lahaa muddada oo ka dhammaata Guurtida xubnaha ka tirsan iyada oon la diyaarin xubnihii beddeli lahaa, taas oo ku iman karta doorashooyinka oo aan qaarkood u dhicin sidii loogu talogalay ama xaalado kale oo soo bixi kara, suurtogalna ka dhigi kara in aanay qabsoomin doorashooyin.

Arrintan waxaaa iyana qayb ka ah in ay diyaar yihiin xeerka ama xeerarkii lagu soo dooran lahaa qayb wal oo ka mid ah doorashooyinka sida mudanayaasha, marka la eego aragtida laga qabo muddo-kordhin oo aad loo isticmaalay xilliyadii tegay, iyaga oo loo tix-raacay duruufo kala gaar ah oo jiray xilliyo kala duwan oo la sameeyay muddo-kordhin, marka la eego filashada inta badan aqlabiyadda dadka reer Somaliland ee ah doorashooyinka. Marka aan la iska indha-tirin shakiga faraha badan ee ka soo dhinac-baxaya marka kordhini ay soo gasho qodobada laga hadlayo si wax loo xalliyo.

 

Waxaa kale oo is-weydiin leh siday xaalada Somaliland isu waafaqayaan waxaanu marayna heer hal cod iyo hal doorasho wax lagu kala doorto iyo haddana muddo-kordhin ayaanu samaynaynaa, sababtuna waxa weeyi daahbaa ku gudban in doorashooyin dhici iyo inkale.

Guud ahaan xilligan qabyo tirka wixii dhammays-tiraya in ay dhacaan doorashooyinku sida xeerarka qaabka doorashada mudanayaasha ayaa u muuqda mid ka dhib yar soo hadal-qaadka muddo-kordhin oo keeni karta tuhun doorasho-diid ah.

 

Ururka UCID

B

erbera (Haatuf): Madaxda ururka UCID oo ku guda-jira ololahooda doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan dhowaan ayaa booqasho ku tegay magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, iyaga oo habeenkii halay fagaaraha 26-ka Juun ee Berbea hadal uga jeediyay dadweyne aad u fara-badan, iyaga oo u ban-dhigay qorshahooda siyaasadeed iyo wax-qabadkooda haddii ay ku guulaystaan doorashooyinka. Weftiga UCID oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha ururkaasi Faysal Cali Waraabe hadal uu ka jeediyay fagaarahaasi waxa uu ka warramay ujeedooyinka UCID iyo barnaamijkooda siyaasadeed ee ay ugu talogaleen haddii ay ku guulaystaan doorashooyinka, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay in la helo madax dalka iyo dadka wax u qabata.

 

Mar uu si gaar ah uga hadlayay Berbera, waxa uu ku celiyay hadalkiisii ahaa inuu qorshahoodu yahay sidii ay Berberi u noqon lahayd Hong-Kong oo kale, haddii ay ku guulaystaan doorashada. Waxa kale oo uu sheegay inay dhaqaalaha dekedda Berbera dalka wax ugu qaban doonaan.

Ugu dambayna waxa uu uga mahad-naqay dadweynaha reer Berbera sida fiican ee ay u soo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa. Waxa kale oo iyaguna fagaarahaasi khudbado ka jeediyay madax kale oo ka tirsan Ururka UCID. Waxaana halkaa ku soo dhoweeyay madax ka tirsan gobolka Saaxil.

 

Dil-dilaacii

Taliye NO: 83: Waxay ahayd markii la iga soo bedelay xaafadda DAQLAY SAFAAR, maan joogin markii la ii doortay, waxaanse u malaynayaa inay sababta la ii doortay ahayd, iyadoo ay berigaa jirtey fursad aan aroor walba muddo 15 daqiiqo ah khudbad ugu jeedin jirey ciidamada, khudbadaas oo ku saabsanayd kor u qaadida asluubtooda iyo aqoontooda.

 

Aniga, laba xidigle Gabayaw Tamasgan, xidigle Haylu Balaay, Tafare Danaqe iyo rag kale waxa loo doortay inay ka qayb galaan shir ka socda xerada guurada 4aad, ragayaga halkaa isugu yimi intayada badani aqoon isuma aanu lahayn, balse way jireen rag aan badnayn oo aqoon isu lahaa, taas oo ay wixii ciidan ahaa ee meesha joogay inta ay inyariba meel isugu ururto ayey sheekaysanayeen, run ahaantiina shirka kala dambayntiisu ma wacnayn, waxaana mar walba dedaal ugu jirey in shirka anshaxiisa la ilaaliyo Gaashaanle Atnafu iyo Alaqa Abara Agga, iyadoo Abara Agga ahaa ninka qorayey magacyada shir-gudoonka shirka.

Maalintaasi waxay ahayd markii iigu horaysay Mingistu aragtidiisa, laakiin isagu mar hore ayuu igu arkay shir hore, aniga oo markaa ahaa booliska Herer. Masuuliyiinta shirkaa ka soo qayb galay ee ka socotey gobolka Herer oo uu Mingistu ka mid ahaa waxay u muuqdeen qolo u soo diyaar-garawday shirka waxna damacsan, waxayna si degan u dhex-fadhiyeen madasha shirka.

 

Mingistu wejigiisa waxa ka muuqatay farxad, sidaa darteed markii uu helay fursad uu shirka kaga hadlona waxa uu doodiisa ku bilaabay su’aalo, isaga oo yidhi “Waa maxay qorshaheenu, waa maxay waxa aynu u baahanahay inaynu samayno, waa maxay ujeedooyinkeenu iyo su’aalo kale”, laakiin intayadii meesha fadhiday waanu is wada eegnay, isla markaana badidayadu kamaanu fiirsan su’aalaha muhimka ah ee uu soo qadimay, laakiin wuu sii watay hadalkiisa, wuxuuna yidhi “Hadii aynaan samayn karayn wax cad hore uma socon karno”, laakiin waxa uu intaa ku sii daray “Waa inaynu kulankeena ujeedo u yeelnaa, hadda aynu iswaydiinu aragtiyeheena”, hadaladaasi waxay na geyeysiiyeen inaanu ixtiraamno Mingistu, “Ninkani waa nin ina maamuli kara”ayaanu is nidhi. Markii ay arintu soo gaadhay in la doorto gudoomiye Mingistu ayaa 99 cod helay, sidaana ku noqday gudoomiyaha, waxaana gudoomiye-xigeen u noqday Atnafu Abaate, laakiin ismaanu lahayn 17 sannadood ayey taasi (Gudoomiyaha Mingistu) noqon doontaa. U malayn maayo Mingistu inuu ku farxo mooyee inuu ka xumaaday gudoomiye-xigeenimada loo doortay Atnafu, iyadoo uu Atnafu ahaa ninka dhinaca abaabulka ugu haystay, isla markaana waa ninka suurta geliyey in lagu shiro xerada guutada 4aad oo uu markaa haystay, xiligaas oo ay Atnafu qaniinsanaayeen niman saraakiil sarsare ahaa, kuwaas oo hadii ay u helaan fursad uu ugu soo gacan galo aan naxariis u galeen.

 

Waqtigaa boqorka talada lagama qaadin, waxaana wadanka ka talinaysay xukuumadii Lij Indalkashaw, isla markaana inkasta oo ay golaha Dhergigu warbixino nooga keeni jireen golaha wasiirada, hadana may jirin wax awood ah oo aanu lahayn.

Xarunta boqortooyada mar walba waanu tegi jirey, waxaanuna ku tegi jirey tiro gaadhaysa 7 ilaa 15 qof, boqorkana waxaanu tusi jirey inaanu daacad u nahay, laakiin runtii daacadnimadaasi ma ahayn mid niyad ah ee waxay ahayd mid aanu is lahayn hala idinka maqlo anaga oo qoslayna. Boqorka iyo shaqaalihiisuna marka ay xarunta nagu soo dhowaynayaan waxay noo soo dhowayn jireen si wanaagsan, taas oo aanu anaguna boqorka u saari jirey sheekooyin raaxeeye ah, “Our Lord” intaanu nidhaahno ayaanu salaanta milateriga ku salaami jirey, isla markaana waxaanu ula hadli jirey si xushmad leh.

 

Hawl-wadeenadii boqorka ka hooseeyey sidii aanu marba inyar u xidhaynay ayaanu ku wada gurnay jeel ku yaal xaafadda GOOFA, ma garran karo sida uu boqorku ahaa, waayo iyadoo aanu shaqaalihiisa oo dhan xabsiga ku guray, hadana wax diidmo ah nooma uu jirin. Laakiin dhawr maalmood ka hor boqorka intii aan taladda laga tuurin ayuu maalin maalmaha ka mid ah nagu xayraamay, ka dib markii ay xarunta boqortooyada galeen niman diraysa ciidan lebisan oo doonayey inay xidhaan ilaaliyaha gaarka ah ee boqorka. “Waxaad doontaan qaata oo isaga (Gaadhka) ma taaban kartaan”ayuu nagu yidhi boqorku, isaga oo aad u cadhaysan, waxaana u malaynayaa inuu boqorku taa u fahmay in marka gaadhkiisa la qabto uu isaguna ku xigo.

11-kii Sabtembar 1974-kii ayaanu habeenimadii telefishinka ka baahinay cajaladii ka hadlaysay abaarihii ka dhacay gobolka Wallo. Anigu Huteelka DAR-DASE ayaan habeenkaa fadhiistay, waxaana ku fadhiistay kursi meel koone ah yaal, shaahna waan dalbaday, waqtigaana aniga iyo xubnaha kale ee Dhergiga cidina ma aqoon.

 

Inkasta oo aan cajaladaa hore ula daawaday xubnaha golaha Dhergiga, hadana habeen walba waxaan cajaladaa ka daawan jirey baararka, aniga oo qaadan jirey buugayga xusuus-qorka si aan u qorto sida ay bulshadu u dareemayso waxa cajaladaa ka socda iyo weliba sida ay u arkaan hawlaha ay golaha Dhergigu wadaan, waxaase shicibka ku yaraa dadka telefishinka haysta.

Anagu hadii aanu nahay golaha dHergiga markii aanu cajaladaa daawanaynay inyar mooyaane intayadii badnayd waanu wada ilmaynay, waayo weligayo maanu arag meyd intaa tiro le’eg. Laakiin shicibka aad bay uga muuqatay cadhada ay u hayaan boqorka iyo maamulkiisa.

Kuwama ayey ahaayeen kuwii u horeeyey ee gacan galay?

Golaha Dhergiga ballan-qaadyadoodii hore waxa ka mid ahaa inay dhibaatada dalka gudihiisa ka jirto, in iyadoo aanu dhiig daadan ay meesha ka saari doonaan, ka dibna ay dadweynaha gacanta ka saari doonaan talada, sharciga, madax-banaanida iyo midnimada, hase yeeshee 3 bilood ka dib waxa dhacday inay golaha Dhergigu caalamka u muujiyeen shakhsiyadoodii runta ahayd, waxayna la soo baxeen caqli bahalnimo, xumaan iyo aarsi xoog leh oo ay weliba u raacday cidina waxba idinka qaadi mayso ee waxaad doontaan sameeya.

 

Maamulka madaxtooyada waxa qabtay niman ahaa kuwa uga dhaqanka xumaa dadka, ugu khamriyo cabsanaa, isla markaana sharciga inay jiidhaan mooyee aan garanayn sharcigu waxa uu yahay. Waxay ahaayeen niman inta ay hoolka madaxtooyada dad badan isugu soo ururiyaan dad badan si hawl yar qoorta uga gura, sidaa darteed dilalkii iyo falalkii foosha xumaa ee ay geysteen wax ilaawi karo ma aha ama lagaga hadhi doono ma aha.

 

Ahadu Sabure: Ahadu Sabure waxay ahaayeen niman saraakiil sarsare ah waqtigii uu talada hayey Hayle Salaase, waxa nimankaa lagu xidhi jirey qol ku yaal dabaqa dhismaha boqortooyada hoostiisa oo ahaa qol loogu talo galay in lagu qaboojiyo khamriga (Daji) oo uu boqorku cabi jirey, waxay ahayd waqtigii ay kuwa gaadhka u leh ee xabsiga ilaalinayaa gurada ku xidhi jireen nimankaa saraakiisha ah, sida ay caadadu ahayd-na ciidamada hadaladooda mooyee sanqadh kale may jiri jirin.

Salaadiin, Cuqaal iyo niman la taliya boqorka ayey nimankaasi ahaayeen, laakiin inta sharaftii iyo awoodii laga xayuubiyey ayey noqdeen maxaabiis. Dhawr bilood ka hor sidan oo kale ayaa dhici doonta ama sidan oo kale ayaa la idin geli doonaa isma ay lahayn, waxayse arkeen iyadoo iyaga iyo boqorkiiba mar qudha laga dul-guuray.

Markii la xidhay haba yaraatee wax maxkamad ah lama soo taagin, mustaqbalkana may garanayn waxa ay ku dambayn doonaan, balse iyadoo ay dhibaatadaasi hore u haysatay hadana may filayn inay habeen kale ku dhici doonto dhibaato kale oo ta haysata ka sii weyni.

Qolka ay nimankaasi ku xidhnaayeen waxa ka sareeyey ama dul-saarnaa hoolkii lagu shirayey ee ay doodu ka socotey ee uu nin waliba lahaa hebel waa in la dilaa iyo hebel waa in la dilaa ama hebel ma daynaa, mise waynu dilnaa,inkasta oo aanay arkayn cidda soo gashay madaxtooyada, hadana way maqlayaan waxa meesha ka socda iyo in arladii la soo galay. Laakiin meel walba ciidan baa daadsanaa, malagyadii loo soo diray xukunkii loo soo dhiibay waxay hortaagnaayeen albaabka xarunta boqortooyada. Hase yeeshee nimankii libaaxyada ahaa ee qasriga ku jirey waxa markiiba magacyadooda yeedhiyey Gaashaanle yegorawi iyo gaashaanle Getaashaw Shibashi, dabadeedna inta laba-laba la isugu xidhay ayaa lagu guray baabuurta qafillan ee ciidamada, waxaana loola kacay dhinaca jeelka.

Inkasta oo ay markiiba maskaxdooda gashay ama ay iswaydiiyeen tolow xagee la idinku wadaa, hadana isma ay lahayn wax xun baa la idinku samaynayaa ama la idinla damacsan yahay, laakiin mid ka mid ah nimankaa ayaa ku durkay askari ka mid ah askartii baabuurka la saarnayd, wuxuuna su’aalay “Askari xagee baad nagu wadaan, mase garanaysaa meesha aynu ku socono”. Laakiin askarigii wuxuu ugu jawaabay “war uma hayo meesha la idinku wado iyo meesha lagu socdo toona”.

Ragga qaarkood aad bayba u farxeen, waxayna hoosta ka lahaayeen “hadii jeelka nala geeyo halkan way noo dhaantaa, waayo jeelka waxa nagu soo booqan doona ehelka oo dhan, cunto wanaagsan iyo jaraa’idna waa naloo keenayaa”. Hase yeeshee maxaabiistii markii ay baabuurta kaga degeen meel jeelka hortiisa ah waxa loo sheegay ama lagu amray inay maraan waddo dhinaca bidix ka marta jeelka, waxayna arkeen askar fara badan oo ku gaadhan qoryaha daran-dooriga u dhaca.

La soco cadadka dambe ………

 

Wararka Boorame

Madaxda hay’adda garsoorka ee gobolka

Awdal oo ka cawday maamulka xabsiga

 

B

oorame (Haatuf): Masuuliyiinta maxkamadaha gobolka Awdal iyo xafiiska xeer ilaalinta ee gobolka iyo degmada Boorame ayaa cabasho ay ku eedaynayaa maamulka xabsiga Boorame u gud-biyey wefti uu hogaaminayo gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Siciid Faarax oo Isniintii doraad ee Oktoobar 14, 2002 booqday magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame waxay madaxda garsoorka Boorame ku eedeeyeen maamulka xabsiga inay maxkamadaha iyo xeer ilaalinta kula dhaqmaan amar diido, taas oo ay madaxda maxkamadaha iyo xeer ilaalintu ku andacoodeen inuu maamulka xabsigu diido inuu qabto waarranada eedaysanayaasha ee ay maxkamaduhu u soo gudbiyaan iyo inay iska diidaan dadka xabsiga ku jira ee ay maxkamaddu dalbato in la horkeeno.

 

Gudoomiyaha maxkamadda racfaanka Awdal, Ileeye Cige Xoosh iyo xeer ilaaliyaha gobolka, Axmed Cismaan Mire ayaa weftiga gudoomiyaha maxkamadda sare u qadimay eedaynta la xidhiidha maamulka xabsiga Awdal, iyadoo ay madashaa iyaguna ku sugnaayeen madaxda maxkamadaha iyo Xafiiska xeer ilaalinta Boorame, waxayna madaxda garsoorku intaa ku dareen inay taasi sababta inay maxaabiis aan la xukumini xabsiyada ku raagaan.

Weftiga gudoomiyaha maxkamadda sare oo ujeedada socdaalkooda lagu tilmaamay xog-ogaal u noqoshada geedi socodka hawlaha cadaaladda gobolka Awdal waxay tilmaameen in loo baahan yahay in lagu dedaalo sidii loo sugi lahaa cadaaladda dadka horyimaadda maxkamadaha, iyadoo uu dhinaca kalena gudoomiyaha maxkamadda sare hawl-wadeenada garsoorka ee Boorame u sheegay in mushaharka loo kordhiyey, si ay taasi buu yidhi idiinka baajiso laaluushka.

 

Dhinaca kalena sida uu weriyaha Haatuf ku soo waramay lix ka mid ah shaqaalaha wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan waaxda Kastamada oo dhowaan shaqada laga eryey ay cabasho ka muujiyeen shaqo ka fadhiisintooda, iyaga oo ku andacooday in shaqada looga eryey sifo aan sharciyadda waafaqsanayn, laakiin maamulka wasaaradda maaliyadda ee gobolka ayuu weriyuhu sheegay inaanay ilaa hadda arintaa waxba ka odhan, waxayna kala yihiin xubnaha shaqaalaha ahi:
Maxamed Cali Cilmi, Caasha Cabdi Nuur, Maxamed Cilmi Cumar, C/rashiid Maxamed Nuur, Cismaan Xirsi Salsal iyo Axmed Jaamac Bile, waxayna shaqaalahani sheegeen inay cabashadooda gaadhsiiyeen maamulka gobolka Awdal.

 

Qaraxyo ka dhacay Awdal

B

oorame (Haatuf): Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacmay, isla markaana hanti ayaa ku baaba’day, ka dib markii laba qarax 11-kii bishan iyo 13-kii bishan ka kala dhaceen degaamo ka kala tirsan Boorame iyo tuullada Boon ee gobolka Awdal.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar waxa qaraxyadaa sababay hadhaaga waxyaalaha qarxa ee hubka ah oo ay meelahaa kaga tageen ciidamadii fadhiyi jirey.

Daahir Nuur Ducaale oo 45 jir ah, kana mid ah dadka qaraxaa ku dhaawacmay oo hadda lagu dawaynayo cusbataalka Boorame waxa uu dhaawacu ka soo gaadhay gacan, taas oo uu qaraxaasi faraha qaar gooyey, iyadoo uu ninkaasi sababay qaraxa laftiisa, ka dib markii gargaraacay Madaxa qoriga Baasuukaha loo yaqaan oo meel cidla ah yaal, isaga oo doonayey inuu Madaxa Baasuukaha baaruudda ka daadiyo, ka dibna geeliisa koor uga dhigo, waxaana ninkaa dhaawaca ah laga keenay degaanka la yidhaahdo Shabeelay oo ku yaal galbeedku Boorame. Sidoo kale qofka labaad ee qaraxyadaa ku dhaawacmay oo ah wiil yar oo 12 jir ah, magaciisana la yidhaahdo, Abiib C/laahi, waxa uu dhaawac culusi ka soo gaadhay Madaxa iyo feedhaha, wuxuuna wiilkaa yari ku dhaawacmay bam qarxay oo ku aasnayd meel aqal Somali uu qoyskoodu leeyahay ka dhisnaa, waxaana bamkaa qarxiyey dab uu wiilkaa yari shidayey, isaga oo aqalkooda hoostooda jooga, isla markaana wiilkaa yar oo uu weriyhaha Haatuf ku booqday cusbataalka Boorame oo hadda laga dawaynayo waxa u sheegay in gurigii bamku ku qarxay iyo wixii hoos yaaleyba shuf beeleen.

 

Hubka qarxa ee meelaha daadsani waxa uu sannadihii tegay galaaftay dad iyo duunyo badan.

 

Cusbataalka Boorame

B

oorame (Haatuf): Badhasaabka gobolka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi ayaa xaaladda adeeg ee cusbataalka Boorame ku tilmaamay mid ka soo raysay, wuxuuna badhasaabku sidaa sheegay, ka dib markii uu shalay booqday cusbataalkaa.

Hadalka badhasaabku waxa uu soo baxay, iyadoo mudooyinkii u dambeeyey aad looga dayrin jirey xaaladda adeeg oo cusbataalka guud ee Boorame.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar badhasaabku waxa uu booqashadiisa cusbataalka Boorame ku soo maray qaybaha kala duwan ee uu cusbataalkaasi ka kooban yahay, wuxuuna halkaa warbixin xaaladda cusbataalka ku saabsan kaga dhegaystay maamulaha cusbataalkaa, Dr. Cabdi Daa’uud, wuxuuna Dr. Cabdi Daa’uud sheegay inay ku dedaalaan inay intii karaankooda daboolaan adeegyada caafimaad ee dadka, laakiin waxa uu xusay inay waqtigan xaadirka ah daawooyinka cusbataalka yaal gabaabsi yihiin.

Dhinaca kalena siminaar ku saabsan habka daawaynta xoolaha ayaa shalay magaalada Boorame uga furmay 12 qof oo ka kala socd degaamada Hargeysa iyo Boorame, wuxuuna siminaarkaasi socon doonaa muddo shan maalmood ah, isla markaana waxa uu tababarkani daba socdaa tababar sannadkii hore loo qabtay isla xubnahan, waxaana fulinta tababarkan iska kaashanaya hay’adda wadaniga ah ADO iyo hay’adda Maraykanka ah ee IRC.

 

Kililka 5aad ee Itoobiya

 

J

igjiga (Haatuf): Madaxweynaha ismaamulka Somalida Itoobiya, C/rashiid Duullane Rafle ayaa shalay ganacsatada badeecadaha geysa degaaamada ismaamulka Somalida ugu baaqay inay iska bixiyaan cashuuraha looga baahan yahay, isla markaana ay hanaankooda ganacsi waafajiyaan sharciyadda wadanka u degsan.

 

Madaxweynaha ismaamulka Somalida Itoobiya oo ay hadalkiisa soo xigatay laanta afka Somaliga ee idaacadda Itoobiya, waxa oo sheegay in hadii ay ganacsatadu sidaa yeelaan ay u fududaan doonaan hawlahooda ganacsi. Hase yeeshee ganacsatada ayaa iyaguna dhinacooda dalbaday in loo fududeeyo wixii shuruuc ah ee ay uga baahan yihiin dawladda ismaamulka Somalida, taas oo uu madaxweynaha dawladaasina dhiniciisa aqbalay.

Hadalka madaxweynaha ismaamulka Somalida Itoobiya waxa uu ka dambeeyey markii ay ciidamada Itoobiya dhowaan xidheen xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, taas oo keentay inay hakadaan badeecadihii u kala gudbi jirey labada dhinac, iyadoo ay toddobaadkii ina dhaafay badeecado iyo gaadiid badan oo xamuul ah oo ka tegay dhinaca Somaliland ku xaniban yihiin meelo dhexe oo jidka ah, ka dib markii ay ciidamada Itoobiya ee xadka hoganaya xadka u dhexeeya labada dal.

 

Sida ay wararku sheegeen arintan oo ku cusub dhaqdhaqaaqa ganacsi ee labada dhinac (Somaliland & Itoobiya) waxa sababay ganacsatada waaweyni ee LC-ga leh ee reer Itoobiya, kuwaas oo marar badan dawladooda uga cawday ganacsiga ka soo dusa meelaha xuduudaha ah oo ay ku tilmaameen mid dhabar-jebin ku ah hawlahooda ganacsi, waxaana la sheegay inay ganacsatada Itoobiya inka badan 7 sannadood cabasho la hor tubnaayeen xafiiska ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, Males Senawi. Hase yeeshee inkasta oo uu maamulka Itoobiya marar badan isku deyey inuu cunaha ku dhego ganacsiga kaga soo qul-qulaya xuduudda, hadana taa hore uguma ay guulaysan, isla markaana marar badan oo ay qorshayaal u dejisay ma noqon mid shaqeeya, waxayna dawladda dhar goor xuduudda keentay kooxo ka tirsan ciidankeeda ilaalada cashuuraha, laakiin marna may suurta gelin inay is hortaagaan ganacsiga isaga gar-gudbaya labada dal. Laakiin hadda waxay dawladda Itoobiya xuduudaha ay la leedahay Somaliland iyo Somaliyaba soo dhoobtay ciidamo laxaadle oo wata baabuur tikniko ah oo badan, sida la sheegayna ilaa 20’000 oo askari oo la sheegay inay si toos ah uga amar qaadanayaan dawladda dhexe ee Itoobiya ayaa xuduudda dhooban, waxaana askartaa lagu amray inaanay dalka Itoobiya ka bixi karin, soona geli karin haba yaraatee wax badeecad ah oo bilaa cashuuro ahi.

 

Arintaas oo hadda socotay muddo ugu yaraan hal toddobaad gaadhaysa waxay saamayn weyn oo dhaqaale ku yeelatay dadka labada dhinac, isla markaana waxay si weyn u arbushtay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee isaga gar-gudbi jirey degaaamada Itoobiya, Somaliland iyo Somaliya intaba.

 

Ilaa shan baabuur oo sida shixnado maryo huudhaydh ah u badan ayaa hadda xaafadda masalaha Hargeysa taagnaa muddo ilaa saddex maalmood ah. Qaar ka mid ah darawaliinta baabuurtaa oo uu shalay la kulmay weriye Haatuf ka tirsani ayaa sheegay inay fariin ka heleen qaar ka tirsan saaxiibadooda kale ee baabuurtii ka horaysay, kuwaas oo sheegay bay yidhaahdeen inay hoganayaan meelo xadka ah, sida Balli-gubadle, Balli-cabane, Kalabaydh iyo meelo kale, ka dib markii loo diiday inay u talaabaan dhinaca Itoobiya ee ay badeecadaha u sidaan, iyadoo ay baabuurtaasi, iyaga oo badeecadihii xambaarsan meelahaa hoganayeen inka badan 5 maalmood, waxayna wararku sheegeen in muddo hadda gaadhaysa toddobaad ku dhowaad oo ah intii ay dawladda Itoobiya xuduudda xidhay aanu kiish u kala gud-bin labada dhinac, iyadoo xataa ay ciidamada Itoobiya dadka xuduudda ka gud-baya ka reebayaan qofkii shay dheeraad ah (Macawis, toob, googarad IWM) lagu arko.

 

Arintan oo meelo badan saamaysay waxay wararku sheegeen in tusaale ahaan magaalada ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ee Harta-sheekha oo ahayd mid ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee xidhiidhiya Somaliland iyo Itoobiya iyo weliba meelo kale oo la mid ah, sida Aw-barre ayaa maalmihii u dambeeyey dhaqdhaqaaqoodii ganacsi bawdada duufka marsaday., waxayna xataa baabuurta doonaysa inay Harta-sheekha uga soo baxaan dhinaca Hargeysa ku soo baxaan sifo is been fariin ah, kuwaas oo ciidamada Itoobiya farta ugu fiiqa meelo tuulooyin ah inay tegayaan sida Dabay-weyne iyo meelo kale.

 

Badeecadaha ka taga dhinaca Somaliland ama Puntland waxay sannadihii u dambeeyey sida daadka uga talaabayeen xuduudaha Itoobiya, waxayna dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalooyinka waaweyni uga bixi jireen daafaha. Tusaale magaalada Harta-sheekha waxa ilaa 8 ama 9 sannadood ee u dambeeyey waxa ugu yaraan maalin kasta lagu rogi jirey  20 ilaa 30 baabuur oo shixnado ka soo qaaday inta badan furdadaha Berbera iyo Boosaaso, sidaa darteed badeecadahaasi waxay taasi saamayn ku yeelatay ganacsatada waaweyn ee Itoobiya, kuwaas oo ay xataa arintu la gaadhay inay joojiyaan badeecadihii ay soo dejin jireen ilaa inta ay dawladdu wax ka qabanayso badeecadaha ganacsi ee xuduudaha ka soo talaabaya, ka dib markii ay hafiyeen badeecadaha ka soo qul-qulaya meelaha xuduudaha ah. Tusaale ahaan xabadda Screenka T.V-ga waxa xiliyada qaar magaalooyinka waaweyn ee Itoobiya, sida Adis-ababa oo kale laga siin jirey $400---$500 U.S-dolar, laakiin hadda xabadda TV-ga ah shaashadiisu waxay suuqyada Adis-ababa hoos u gaadhay $100—150 U.S-dolar.

 

Degmada Gebilay

G

ebilay (Haatuf): Degmada Gebilay oo ka tirsan gobolka Hargeysa, ayaa horaantii toddobaadkan xilka laga qaaday maayarkii hore, Xasan X. Yuusuf oo xilka degmadaa soo hayey ilaa saddex sannadood, waxaana xilka kala wareegay maayar cusub oo loo soo magacaabay, Abiib Xasan Fil-fil.

Maayarka cusub ee degmada Gebilay loo magacaabay toddobaadkii hore, Abiib Xasan waxa uu noqonayaa maayarkii 7aad ee degmadaa loo magacaabo tan iyo intii ay Somaliland goonida isu taagtay.

 

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa warbixin ka diyaariyey maamuladii dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey iska dhaxlay talada Gebilay iyo raadadkii ay isaga tageen.

 

Maayarkii u horeeyey waxa uu ahaa nin la odhan jirey Axmed Cabdi Ceelaabe, waxaana Ceelaabe talada kala wareegay nin isna la odhan jirey Maxamed C/laahi Qojobo, laakiin Qojobona waxa kala wareegay xilka Gaangi Guuleed Riiraash, sidoo kalena waxa sannadkii 1995-kii Riiraash waxa sannadkii 1997-kii talada ka dhaxlay Muxumed Geelle Seed, laakiin Seed-na sannadkii 1998-kii ayuu xilka kala wareegay kala wareegay Daa’uud Khayre Kaahin, balse Daa’uud Khayre markii uu 9 bilood oo qudha xilka waxa lagu bedelay Xasan X. Yuusuf oo isna kursiga maayarnimo ee degmada Gebilay 3 sannadood iyo 51 maalmood, waxaana ugu dambayn Xasan Xaaji kursiga ka dhaxlay Abiib Xasan Fil-fil oo dhawr maalmood ka hor xilka la wareegay. Laakiin Xasan Xaaji Yuusuf oo ah maayarkii u dambeeyey ee xilka laga qaaday m aha nin ku cusub kursiga maayarnimo ee degmada Gebilay, laakiin muddo 8 sannadood gaadhaysa ayuu kursiga maayarnimo ee degmada Gebilay ku fadhiyey xiligii dawladdii Siyaad Barre, isaga oo ahaa maayarkii u dambeeyey ee noloshii dawladdii Siyaad Barre, hase yeeshee Xasan Xaaji Yuusuf, inkasta oo uu cel-celis ahaan kursiga maayarnimo ee Gebilay ku fadhiyey inka badan 11 sannadood, hadana weli kama xiisa goyn, sidaa darteed waxa la filayaa inay Xasan Xaaji ka go’an tahay inuu mar kale isu soo sharaxo kursiga maayarnimada doorashada dawladaha hoose ee loo cayimay inay dhacaan 15-ka bisha Diisambar 2002, isaga oo iska soo sharaxaya ururka UDUB ee dawladda, waxaana Xasan Xaaji hunguraynta mar kale ee kursiga maayarka laga dareemayey dhaqdhaqaaqyadiisa, laakiin mudadii uu xilka hayey Xasan waxa degmada ka jirey duruufo ay ka mid yihiin muran dhinaca dhulka ah iyo xuduudaha degmada oo murug weyni galay. Dhinaca kalena waxay dadka arimaha dawladda hoose ee Gebilay u dhuun-daloolaa farta ku fiiqaan inuu dakhliga dawladda hoose ahaa mid ay wax ka sii dhacayaan mudooyinkii u dambeeyey. Hase yeeshee Xasan Xaaji waxa uu maalmihiisii u dambeeyey ee kursiga ku faanay inuu yahay nin waayo-aragnimo balaadhan u leh degmada Gebilay maadaama uu yahay ninkii mudada ugu dheer ka talinayey mar hore iyo mar dambeba, isla markaana waxa kale oo uu ku faanay in mudadii uu xilka hayey wax badan qabtay, iyadoo dhinaca kalena ay dadka qaar aaminsan yihiin in erigiisa laga raacay hadalo karooxu ku badan yahay oo uu dhinaca dawladda dhexe dhawr goor u tuuray. “Ma aha in Gebilay gacanta bidix wax lagu siiyo, ma waxay na moodayaan Oromo”, “Hadii aan xuduudaha degmada la sugin wax doorasho ahi ka dhici mayso degaanka Gebilay” iyo weedho kale ayaa ka mid ahaa hadaladii Xasan Xaaji ka soo baxay bilihii u dambeeyey ee uu talada hayey.

 

Waqtigan xaadirka ah marka la eego xaaladda dawladda hoose ee Gebilay waxa uu maayarka cusubi waxa uu la wareegay dayn badan, taas oo ay dadka daynta lihi aad uga cabanayaan dayntooda oo aan la siinayn. “Dawladda Somaliland waxay taqaan sida maamulka loo bedelo, laakiin ma taqaan sida daynta dadka la isaga bixiyo”sidaa waxa yidhi nin ka mid ah ganacsatada reer Gebilay ee daynta ku leh maamulka Gebilay.

 

Banaan bax ka dhacay Laas-caanood

L

aas-caanood (Haatuf): Banaan bax ay ka qayb galeen boqolaad qof oo reer Laas-caanood ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Laas-caanood, waxaana banaan baxaa soo abaabulay urur dhalin yaro ah oo lagu magacaabo KAAH.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf, Liibaan Maaweel Shire waxa mudaharaadkaa ka qayb qaatay dad ay tiradiisu gaadhayso 500—600 qof, wuxuuna mudaharaadkaasi ahaa mid lagu diidan yahay falalka nabadgelyo daro ee gobolka ka dhaca, iyadoo ay mudaharaadayaashu siteen boodhadh ay ku qorneeyeen halku-dhegyo ay ka mid yihiin: “Dooni mayno qoriga, nabaddu waa nolosha bulshada, danayste dooni mayno iyo halkudhegyo kale”.

Dadka mudaharaadayey oo lug iyo baabuur-ba ku socdey waxay ku soo wareegeen suuqyada magaalada, waxayna dadkii mudaharaadka ka qayb galay markii dambe isugu yimaadeen meel fagaare ah oo ah xafiiska ururka mudaharaadka soo abaabulay hortiisa, halkaas oo ay dadka kula hadleen hogaamiyayaasha ururka dhalinyarada KAAH, gudoomiyaha iyo gudoomiye-xigeenka ayaana ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay, waxayna sheegeen inay soo dhowaynayaan cid kasta oo ka shaqaynaysa nabadgelyada iyo horumarka gobolka.

 

Banaan baxaa oo u dhacay si nabadgelyo ah inta badan dadka magaalada ku dhaqani way soo dhoweeyeen.

 

Taariikhda Dugsiga F. Oomaar

 

A

As-aaskii Dugsiga Faarax Oomaar waxa qayb wayn ka ahaa ardaydii kasoo baxday Dugsiyada dhexe ee magaalada Hargeysa oo iyagu baahi wayn u qabay Dugsi sare oo looga dhiso Hargeysa, iyagaoo danaynayayna inay maruun arkaan iyadoo loo kuur galayo Dugsi sare  oo looga dhiso Hargeysa iyada oo aan lahayn wax Dugsi sare ah.

 

Waxa jiri jiray inay w. Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya, ardayda iskuulada dhexe ka soo baxda u qaybin jirtay laba qaybood oo kala ah (A&B) (C&D) Haddaba ardayda wixii hela Aiyo B waxay gayn jirtay Dugsiyada sare ee Camuud Iyo Sheekh, ardayda ku baasta C&D-na waxay u tababari jirtay farsamooyin kale sida caafimaad iyo farsamo gacmeed.

Sanadku marukuu ahaa 1966kii ayaa waxa farabatay ardaydii ka soo baxaysay Dugsiyada dhexe, waxaana loo kala qaybiyay sidaynu soo sheegnay, markii la kala qaybiyay ka dib ayaa ardaydii C & D ay kiciyeen rabshado ay  doonayaan in la qaato Dugsina loo dhiso, Haddaba waxyaabaha ay ardaydani cadhootay ay kiciyeen waxa ka mid ahaa Mudahaaraad.

 

Waxa dhacday sanadku markuu ahaa 1967kii olole ka dhan ah Wasaaradda Waxbarashada ee wakhtigaas iyo dawladaba waxaana bilaabay oo cirka isku shareeray doonistii Dugsiga. Qaylooyinkii iyo sawaxankii ardaydaasi waxay kaliftay inay dibadda iskugu soo baxaan iyagoo mudaharaadaya oo doonayana dhisida Dugsiga iyagoo taageero badan ka haystay dadweynaha waxa intaa ka dambaysay ayay talo faraha ka baxday waxaana dawladii ay ardaydii kala hortimid arrin lid ku ah, ardaydu waxa ay doonayaan waxaanay dishay arday ka mida ardaydii mudaaharaadaysay, qaar kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo.

Intaa ka dib waxa dhacday inay dad badan oo reer woqooyi ahi ka cadhoodaan falkaas ay ku kacday xukuumaddii wakhtigaas.

 

Wixii ka dambeeyay dhimashada wiilka iyo dhaawaca ardayda waxa go’aan lagu gaadhay in la dhiso Dugsi waana loo bilaabay.

 

Bilowgii dhismaha Dugsiga

Waxa la isla gartay taariikhdu markay ahayd 1968kii in la bilaabo dhisida Dugsiga waana la bilaabay, Dugsiga waxa farsamadiisa lahaa Talyaani, isaga ayaana dhisay Dugsiga intii uu dhismuhu socdayna waxa ay ardaydu ku sii dhiganayeen Dugsiga A. Guray. Waxa dhacday markii iskuulka la dhisay lana dhameeyay in loo bixiyo magac reer woqooyi oo ay ka xanuunsan ama damqan jireen marka ay maqlaan isaga oo ahaa magacaasi (xabadi keentay)

Waa Kuma Faarax Oomaar

 

Magaca Dugsi la yidhaahdo oo ah F. Oomaar waxa loogu magac daray oday ka mida odayaashii Somaliland ugu caansanaa taariikhdana baal dahaba kaga jira F. Oomaar waxa uu u dhashay Somaliland gaar ahaana gobolka Togdheer ee “Burco’ sida ay sheegeen ilo xogogaala oo wakhtigaas ku soo dhawaday hayana taariikhda ayaa waxa ay leeyihiin.

Faarax Oomaar waxa uu wax ku soo bartay India waxaanay jaamacad ka soo wada baxeen halgamaagii waynaa ee India “Gandhi” waxa kale oo ay ilahaa xogogaalka ahaa sheegayaan inay Gandhi iyo F. Oomaar ku balameen inuu mid waliba gumaysiga dalkiisa ka dhiciyo xornimana u horseedo.

F. Oomaar waxa uu ahaa ninkii u horeeyay ee ka soo horjeesta Ingiriis doonaya inay ummadiisu ku noolaato xornimo.

 

Waa ninkii u horeeyay ee Soomaali ah ee Xisbi samayta waxaana xisbigiisa lagu magacaabi jiray SNC waxa kale oo uu jeclaa inuu maruun arko dadkiisa oo xornimo ku nool. Aakhirkiina F. Oomaar waa la qabtay waxaana lagu qabtay Itoobiya K.shanaad ee “Jig-Jiga”, waxa kale oo la sheegay in markii dambe loo gudbiyay Imaaraadka Carabta markii dambana waa la dilay maydkiisiina cidi may arag Haddaba Dugsiga magaciisa ayaa lagu sababeeyay, in loo bixiyo F. Oomaar. Ka dib markii la isku keenay sida uu iskuulku ku dhismay iyo odayga halgamaaga ahaa.

Horumarinta Waxbarashada

Waxa la bilaabay sanadihii todobaatanadii in la horumariyo Dugsiga oo dhib aad wayn dabadeed la dhisay waana la horumariyay waxaanu iskuulku noqday ka ugu fiican iskuulada ka dhisan waqooyigii Soomaaliya (Somaliland) waxaanu ardayda ku soo jiray sanadihii 70kii-81kii  waxbaradana waxaanu ahaa Dugsiga kaliya ee farta lagu fiiqo Goboladii waqooyi (Somaliland) oo dhan waxa kale oo uu Dugsigu baal dahaba ka galay taariikhda Somaliland.

Waxa uu Dugsigu ku caan baxay magaca F. Oomaar.

Waxa uu iskuulku soo saaray arday fara badan wakhtigaas oo maanta ka madax ah Dawladda J. Somaliland caana ka ah Dalka iyo dibadiisaba dad badan oo wakhtigaas ka baxay F. Oomaar ayaan ilaabi karin oo ilaa maanta soo booqda  Dugsiga.

Maxamed Cabdi Sheekh arday dhigta Dugisga F. Oomaar. Hargeysa

 

Badhasaabka G. Awdal & Maayarka Degmada Boorama Waan U Mahad Naqayaa

 

Anigoo ah muwaadin jecel diintiisa iyo dalkiisaba waxaan u mahad naqayaa Badhasaabka G. Awdal & maayarka Degmada Boorama oo ah Maxamuud, iyo Maxamed Muuse Bahdoon, waxaan ugu mahad naqayaa sidii hawl karnino ee ay nooga qaateen talooyinkayagii ku wajahnaa horumarka Dalka.

Gaar ahaan dhinaca caafimaadka taas oo jirtay dhaliil aan ka dareemay dhinaca haweenayda hawlwadeenka ka ah dhakhtarka Degmada Boorama oo magaceeda la yidhaah Aniino Tanoni, oo wax qabadkeedu markii hore ku wajahnaa xanuunka loo yaqaan TB oo kaliya. Hase yeeshee markii dambe isu badashay in ay xarun samayso ay ku ururiso dadka qaba xanuunka HIV ayna ugu baaqday dadyowga ku dhaqan Horn Afrika markii aan dhaliishaa muujinay.

 

Waxaan kaloon xusnay halgankii wax qabad ee ay haweenaydu u soo gashay gobolka oo mid lama ilaawaan ah waxaan mahad naqayga ku soo gebagebaynayaa wada haDalka laga yeeshay arrintayada ah oo aan loo kala hadhin sida, hay’adaha dawliga ah, NGO-yada & maamulka ardayda jaamacadda Camuud. Waxan ku soo gebagebaynayaa ninka maanta wax kuu qabanaya waa in uu mustaqbalkaagana wax u dhigaa.

Aamiin X. Cige Aadan Hargeysa

 

 

 

Warbixintii Guddiga Shuruucda Ee Muddo Kordhinta Iyo Doodii Mudanayaasha

H

Argeysa (Haatuf): Fadhigii shalay ee mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa warbixin ka soo jeediyay Gudoomiyaha guddiga shuruucda ee G/Wakiilada mudane Faysal Axmed Maxamed, warbixintaas oo ahayd naqishaad uu hore golahaasi ugu diray dhinaca sharciga muddo kordhin ah dhinaca Golaha Guurtida ee Somaliland mudane Faysal waxaa ka mid ahaa hadalada uu shalay soo jeediyay “markaanu aragnay qodobada 42aad 58aad, 88aad, saddexdaa qodob ee Dastuurka waxaa ku qeexan muddada xilka Golaha Wakiilada muddadoodu waa shan sanadood, M/weynaha iyo M/K/xigeenka oo muddadoodu tahay (5) sanadood, Golaha guurtidana lix sanadood, saddexdaa qodob markii aanu aragnay, waxaa kale oo aanu aragnay qodobka 42aad, farqadiisa, saddexaad iyo qodobka 83aad farqadiisa, shanaad waxay leedahay haddii Golaha wakiiladu ay dhici waydo duruufo adag awaadeed waxa xilka sii haynaya golihii hore. Qodobka 83aad farqadiisa, shanaad waxay leedahay haddii doorashada M/weynaha Iyo M/weyne ku xigeenka ay dhici waydo muddadii xilku kaga ekaa duruufo adag awaadeed, waxay waajib ku tahay Golaha Guurtidu inuu muddada arrintaa lagaga baxayo inuu kordhiyo, markaanu isla eegno (3) saddexdaa qodob ee hore iyo labada dambe, ma jiro qodob kale oo qodobka 58aad oo yidhi haddii sida labada hore, kuma qorna distuurka sababtoo ah korodhsiimadii Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumada M/weynaha iyo M/weyne ku xigeenka waxa ay ku sal lahaayeen qodobka 42aad farqadiisa, 3aad, iyo qodobka 83aad farqadiisa, shanaad ee Dastuurka ayay labadaa go’aanba ku fadhiyeen, halkaa iyada ah markaanu arrintaa eegnay, waxaa kale oo aanu eegnay qodobka 128aad oo ka hadlaya dhamaan go’aanadaas iyo xeerarka wadanka oo dhan haddii aanay waafaqsanayn Dastuurka Dalka waa waxba kama jiraan, arrintaa iyaga ah markaanu qodob qodob u aragnay guddigu waxay isla garatay oo ay Golaha u soo jeedinaysa wixii arrintaa ay ka gaadhay, sababta oo ah waa arrin u baahan in aad looga baaraan dego, gudiyada markay eegtay maanta iyo kuwa soo socda, markay aad uga arinsatay in ay jiraan duruufo maanta ina xidhaya oo arrintan iyada ah halkii looga dhaqaaqi lahaa tilmaamaya ayay guddidu isku ururisay” mudane Faysal waxa uu soo bandhigista soo jeedinta gudiga shuruucda uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha guddiga mudane Cali Xasan Sheekhdoon, oo isna yidhi “sida uu Gudoomiyaha gudigayaga sheegay shuruucdu wuxuu hadal qoraalkayagu wuxuu u qornaa sidan:

Guddiga shuruucda ee Golaha Wakiilada

Ku Golaha Wakiilada

 

Markuu arkay qodobka 42aad, farqadiisa, koowaad, qodobka 58aad farqadiisa, labaad iyo 88aad farqadiisa, koowaad ee Dastuurka markuu gudigu arkay qodobka 42aad, farqadiisa, saddexaad iyo qodobka 83aad, farqadiisa, 5aad iyo go’aamadii Golaha Guurtida bishii koowaad 2002, iyo bishii 4aad, 2002, markuu dersay in baahi loo qabo muddo kordhinta Golaha Guurtida, markuu tixgaliyay saldhiga iyo saraynta Dastuurka ee qodobka 128aad waxa uu soo jeediyanayaa qodobadan hoos ku qoran.

1 In mooshinkan ku saabsan muddo kordhinta xilka Golaha Guurtida aanan meel uga helin ku cad Dastuurka si loo raaco oo loo waafajiyo Dastuurka qodob cadaynaya oo odhanaya sida M/weynaha iyo K/xigeenka ama Wakiilada hadday qabsoomi waydo doorashadu sidaas loogu kordhinayaa aanu waynay waxaanu soo jeedinaynaa, inay lagama maarmaan tahay ama loo baahanyahay si loo waafajiyo Dastuurka in la raaco qodobka 128aad oo wax ka bedel iyo kaabid lagu sameeyo Dastuurka si loogu helo qodob loo cuskado oo waafaqsan oo la raaco sidaas ayaanu Golaha u soo jeedinaynaa” mudane Maxamed Axmed Cali oo arrintan ka hadlayay ayaa yidhi “waynu ogayn in 130ka qodob ee ku yaalla Dastuurka inaanu midna fasaxayn, oo aanu u fasaxayn Golaha Wakiilada in ay muddada u kordhiyaan Guurtida”. Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlay arrintan ayaa yidhi “doorashaan doonayaa iyo kordhin bay rabaan inaanay meel wada galayn”

mudanayaashii kale ee talooyinka ka soo jeediyay mudda kordhinta Golaha Guurtida ayaa soo jeediyay talooyin isku jira taxadar in loo yeesho wax ka bedelka Dastuurka, in aan hadda ku haboonayn in arrintaa la galo iyo in aan arrintan la isku hawlin ee la galo sidii loo dadajin lahaa xeer lagu soo dooranayo mudanyaasha Golaha Guurtida iyo Wakiilada oo uu Doodooda Golahu bilaabo.”

 

 

 

Sheegashadii Dawladnimo Ee Kooxda Carta Oo Ku Beenowday Shirka Eldoret Kenya.

 

E

ldoret(Haatuf + W. Wararka) Furitaanka shirka Eldoret ee dib u heshiisiinta Dalka Soomaaliya ee uu Talyaanigu gumaysan jiray ayay ku beenowday dawladnimadii ay sheegan jirtay Kooxda Carta ka dib markii ay furitaankii shirkaa ee shalay ay kaga qayb galeen qaab aanay kaga duwanayn kooxaha kale ee shirka ka qayb galay oo ay wada fadhiisteen safka ergooyinka is-haya ee shirkan lagu heshiisiinayo.

Xasan Abshir Faarax, Muuse Suudi Yalaxow, C/laahi Yuusuf, Shaati Guduud, Iyo Rag kale oo badan ayaa wada fadhiyay safka hore ee ergooyinka iyagoo isku mid ah waxaanay tani ahayd mid waafaqsan hanaankii ka qayb galka shirka ee ay hore u go’aamiyeen guddiga qabanqaabada shirka ee ka kooban saddexda dal ee IGAD ay u wakiisheen arrintaasi.

 

Xasan Abshir oo ku magacaaban Ra’iisal wasaaraha Dawladda Carta oo hogaaminaya wefti ballaadhan ayaa ka biyo diiday furitaankii shirka ee shalay markuu ka waayay madashii shirka calankii buluuga ahaa ee shanta gees lahaa oo aan ka taagnayn goobtaas balse wax yar ka dib ayay khasab ku noqotay inuu shirka kaga qayb galo hanaankii loo dejiyay.

 

C/Qaasim Salaad Xasan oo ah hogaamiyaha kooxdaas oo la filayay ayaan isagu kasoo daahirin shirka, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Esayaas Afawerki ayaa iyagana laga waayay safka ay fadhiyeen hogaamiyahaasha dalalka IGAD ee kale oo iyagu sidii la filayay xaflada furitaanka ka soo qayb galay.

Haddaba ka maqnaashaha saddexda nin ee shirka waxa lagu macneeyay ka raali ahaansho la’aan ay ka qabaan shirka laftiisa, oo ay dareensanyihiin mid aan ku salaysnayn maslaxadooda una tirinayaan mid geedi socodkiisa ay kaga awood badan tahay Itoobiya, dareenkaana waxa muujiyay weftiyada uu heerkoodu hooseeyo ee Djibouti Iyo Eretariya u matalaya shirka, talaabadaas oo loo arko mid ay kaga dhursugayaan natiijada shirku yeelan doono.

 

Dhinaca kale furitaankii shirka ee shalay waxa khudbado ka jeediyay Madaxda dalalka Kiiniya Yugaandha, Suudaan, iyo Itoobiya, Madaxweynaha Kenya Daniel Arab Moi oo shirkaa furay ayaa sheegay inay aduunyadu shirkan si gaar ah indhaha ugu hayso. Ayna ka filayaan kooxaha Soomaalida inay ka soo saaraan natiijo dhabah. Isaga oo xusay in 14kii shir ee hore u burburay, shirkana waxa uu ku tilmaamay kii ugu dambeeyay ee aayaha, Soomaaliya lagu soo afjarayey. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meless Sanaawi oo isna shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in ay hore u soo burbureen 14 shir oo kanoo kale ahi ayna socon waayeen heshiisyadii lagu gaadhay, taasoo uu eedeeda wax ka saaray dalaka gobolka. Balse waxa uu xusay in haatan ay u muuqato in loo soo jeestay wax ka qabashada Soomaaliya. Isaga oo ugu baaqay Soomaalida inay fursadan ka faa’iidaystaan Madaxweynaha Yugaandha Yuweri Musafeeni ayaa isaguna ku tilmaamay Soomaalida macalimiin casharo u dhigtay Caalamka ayna muujisay dhibaatada ku dhacday dalkoodu in aanay isla jaanqaadi karayn wakhtigan casriga ah iyo mujtamac ku salaysan hab qabali ah.

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa isaguna sheegay in heshiisku ku filanyahay khilaafka loona baahan yahay in la soo afjaro.

 

Waxa kale oo iyaguna shirkaa furitaankiisa ka qayb galay Madaxda iyo wakiilo ka socda ururada ay ka midka yihiin Q. midoobay, Jaamacada Carabta, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo qaar kale, shirkan oo lagu tilmaamay mid hor dhacu ah, shirar isdaba joog ah oo lagu gorfayn doono xal u helida mushkilada dabadda dheeraatay ee Dalka Soomaaliya ee uu Talyaanigu gumaysan jiray.

 

Geedi socodkana wuxuu mari doonaa saddex waji oo marka laga reebo kan haatan furmay labada kale lagu gorfayn doono natiijada ka soo baxda. Sababta haatan ahmiyada loo siinayo shirkana waxa lagu sheegay in la doonayo in Dalkaasi laga dhiso dawlad baahsan si aanu hoy ugu noqon argagixisada. Wararkii u dambeeyay ee shirkaa ka yimid xalay waxay sheegeen in wefti ka socda Golaha SRRC oo ay hogaaminayaan Xuseen Caydiid Iyo Janaraal Gabyow ay ku biireen ergooyinka shirkaa ka qayb galaya.

 

Madaxda Dalalka Itoobiya, Suudaan Iyo Yemen Oo U Dhamaaday Shir Madaxeed

 

S

anca(W. Wararka) Shir madaxeed ay ku kulmeen, madaxda dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Yemen ayaa lagu soo gebagebeeyay caasimada Dalka Yemen ee Sanca, maalintii Isniintii. Iyagoo ka wada hadlayay sidii ay uga hortagi lahaayeen Dawladda Eratariya, oo uu saddexdaa dalba u dhaxeeyo khilaafaad, iyo xaaladda geeska Afrika gaar ahaana Dalka Soomaaliya, waxa kale oo ay madaxdu isla soo qaadeen sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen la dagaalanka Argagixisada. Ra’iisal wasaaraha Dalka Itoobiya Meles Sanaawi, iyo Madaxweynayaasha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Yemen Cali Cabdala Saalax waxa uu shir madaxeedkoodani ka dambeeyay, iyagoo saddexdaa dalba eedaymo u soo jeediyay Dawladda Eratariya, warar ku dhowdhow shirkaasina waxay sheegayaan inay madaxdaasi samaynayaan iskaashaan buuraysi ka horjeeda Dawladda Eratariya. Oo ay saddexdaa dalba jaar yihiin, colaadina u dhaxayso. Dawladda Suudaan ayaa dhawaanahan ku eedaysay Eratariya inay taageerayso falaago ka soo horjeeda, oo qabsatay qaybo ka mid ah bariga Dalkaasi.

 

Dawladda Itoobiya ayuu iyadana dagaal qadhaadh oo muddo laba sanadood ah socday dhexmaray Eratariya, kaasoo aan wali la dhayin boogihii ka dhashay. Ka horna Dawladda Eratariya ayaa qabsatay laba jasiiradood oo ay leedahay Yementu taasoo labada dal ka dhex dhalisay colaad aad u xun oo uu garnaqeedu gaadhay maxkamada caalamiga ah ee Hague. Balse lama sheegin wax war murtiyeed ah oo shirkaa ka soo baxay, oo ka hadlaya wixii ay isku afgarteen Madaxda kulanka iskugu timid. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Senaawi iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa shirkaa ka dib u ambabaxay Dalka Kenya oo ay maalintii shalay kaga qaybgaleen furitaanka shirka kooxaha Soomaalida, ee haatan ka socda magaalada Eldoret.