Haatuf News

 

Issue: 183________________________________ Jimce, October 18, 2002

 

 

Badheedhe Wargeyska

Somaliland Waxay U Baahan Tahay Dawlad Dhista Danaha Guud

 

W

aa dhibaato guud ahaan haysata dunida saddexaad ama si kale hadii aynu u nidhaahno waa arin caan ku ah dawladaha Afrika ka jira intooda badan inaan xoog la saarin ka shaqaynta iyo wax ka qabashada danaha guud ee dadweynaha ku nool dalalkooda, waxaana Afrika iyo guud ahaanba dunida saddexaad maamulada ka jiraa intooda badani yeesheen dabaqado maamul oo ka tirsan dawladaas, kuwaas oo ay xubno dawladda ku jiraa aad uga faa’iidaystaan awoodda xileed ee dawladda ay ka tirsan yihiin, iyaga oo halkaa ka hela hanti badan, isla markaana dushooda ayey ka muuqataa hantidii ay lunsadeen. Hase yeeshee hantida ay shakhsiyaadka maamulka ka tirsani gaar gaarka u isticmaalayaan ma aha wax kale ee waa hantidii ay ahayd in lagaga shaqeeyo danta guud ee dadweynaha iyo adeegyada aasaasiga ah, sida: Caafimaadka, waxbarashada, biyaha, wadooyinka, nadaafadda, daryeelka ciidamada iy shaqaalaha, ilaalinta iyo wax soo saarka khayraadka dalka iyo weliba kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wax badan baad maqashay ama maqlaysaa nin masuul ah oo leh waxaan sugayaan waxoogaa lacag ah oo aan ku tago dhakhtar debedda ah, laakiin waxay iswaydiintu tahay muxuu ku haleeyey dadweynaha tirada badan ee aan, iyagu haysan ama awoodin inay dhakhtar debedda ah tagaan, maxayse u dhici wayday in hantida faraha abdan ee lagu tegayo dhakhtarada debedda in lagu maalgeliyo cusbataalada wadanka si ay u yeeshaan adeeg wax ku ool ah oo lagaga maarmo dhakhtarada debedda. Waa arin masuuliyadda ka arradan in Somaliland oo uu dadkeedu yahay malaayiin qof inay madaxdoodu iska daawadaan iyaga oo og inay xaaladda adeeg ee caafimaadka aad u liidato, arinta caafiimaadku waa tusaale ka mid ah, laakiin guud ahaan adeegyada aasaasiga ah ee dalku waa mid aad u liita. Hase yeeshee masuuliyiinta dawladdu inta badan waxay culayska saaraan sidii ay u heli lahaayeen masaaliixdooda gaarka ah ee dhaqaale, isla markaana waxaad mararka qaarkood is odhanaysaa nooca dawladeed ee aynu ku dhaqanaa waa mid kobciya danaha gaarka ah, dhinaca kalena liciifiya danaha guud oo aan wax shilis oo muuqda ka qaban, waxaana laga yaabaa inay qaar ka mid ah dabaqadda maamulku goor walba u heellan yihiin ama ay maskaxda ku hayaan “Maxaad ka qabsatay ama ka qabsan doontaa masuuliyadda laguu dhiibay ama hadii laguu dhiibo. Laakiin kama fekerayaan inta badan maxaad u qabataa dalkaaga iyo danaha guud ee dadkaaga.

 

Marka aad hesho tibaaxo yar yar oo la xidhiidha awoodda dhaqaale ee dalka waxa kuu muuqanaysa in wax laga qaban kari lahaa danaha guud ee dalka hadii loo hagar baxo, laakiin aan taa loo jeedin ee ay ka weyn tahay sidii wax loog tabcan lahaa min karaani ilaa masuulka u sareeya, taas oo aad moodayso inay tahay talo la gaadhay ama wax la isku ogyahay , sidaa darteed hadii uu marmar soo dhexgalo qof dhaqankaa ka bed qabaa waxaad moodaa in la is ogyahay qof walowba halka aad soo gaadho mindida kaga goo. Laakiin hadii aad u fiirsato waxa kuu muuqanaya inaanay dadka noocaas ahi fahamsanayn inaanay macno weyn lahayn bangalo ama gaadhi laga dhistay hanti ummaddu leedahay. Waxa laga yaabaa inuu qofku guriga u dhistay inuu ku noolaado, laakiin waxa uu dhistay waa qayb ka mid ah hantidii wax lagaga qaban lahaa danaha caamka ah, sida: Cusbataalada iyo goobaha waxbarashada, waxayse ku wanaagsanayd inuu masuulku noqdo nin dhisa ama ka shaqeeya danta guud, hadhowna dib u baadi doono danihiisa gaarka ah, isla markaana ogaado inay danta gaarka ahi mar walba ku hoos jirto danta caamka oo hadii ay dant caamka ahi dunto aanay danta gaarka ahi taagnaanayn.

 

Hayadaha sharci dejinta (baarlamaanka) iyo xukuumadda Somaliland waxa looga baahan yahay inay helaan dariiqii lagaga bixi lahaa dhaqanka ah masuuliyadaha ummadda loo qabto inuu had iyo goor noqdo dariiq si fudud lopgu helo dhaqaale naaxiya danaha gaarka ah, hadiise ay dawladdu dhaqankaa meesha ka saarto waa hubaal inay ku sifoobi doonto dawlad ka shaqaysa danaha guud ee dadkeeda oo aan ku soo degdegi doonin shakhsi u hamuumaya danihiisa gaarka ah inuu kiish ku gurto.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland waxay u baahan tahay dawlad iyo masuuliyiin ka shaqeeya danaha iyo adeegyada guud ee dadkooda.       

 

 

Hogaamiyayaasha SNM Maxay Ka Yidhaahdeen Xuskii 17-Ka Oktoobar

“Nidaamka Xisbiyada Badan Ismaynu Waydiin Dhibaatadiisa, Balse…”  Xasan Ciise

Waa Inaan Mar Qudha La Isku Dayin In Hoos Loo Dhigo Magaca Iyo Taariikhda SNM”Axmed Siilaanyo

Halgankii SNM Waa Tii Aynu Badh Cunay Ee Aynu Dalka Wada Qabsan Waynay” Yuusuf Ciise Talaabo

 

H

argeysa (Haatuf):  Sannad-guurada 10-naad ee maalinta loo yaqaan maalinta shuhadada SNM oo sannad-kasta la xuso 17-ka Oktoobar ayaa shalay laga xusay magaalada Hargeysa, waxaana isu soo baxa munaasibadaa ku saabsan lagu qabtay fagaaraha khayriyadda Hargeysa, iyadoo ay qaar ka tirsan hogaamiyayaashii ururka SNM dadka u jeediyeen khud-bado la xidhiidha munaasibadaa.

 

Muj. Xasan Ciise Jaamac oo ku maamusan gudoomiyaha SNM, laakiin ka mid ahaa aasaasayaashii SNM iyo weliba hogaamiyayaashii waaweynaa ee SNM, isla markaana ahaa madaxweyne-kuxigeenkii dawladdii u horaysay ee Somaliland lagaga dhawaaqo bishii May 1991-kii ayaa ka mid ahaa dadkii khud-badaha ka jeediyey fagaaraha khayriyadda, wuxuuna Xasan Ciise sharaxa uu ka bixiyey nuxurka iyo ujeedada munaasibadani xambaarsan tahay ka sokow, ka hadlay qoddobo dhawr ah oo la xidhiidha dhinaca siyaasadda, waxaana ka mid ahaa arimaha uu ka hadlay nidaamka xisbiyada badan oo uu ku tilmaamay nidaam aanay dadku aqoon u lahayn, si wanaagsana loogu diyaar garoobin, sidaa darteed waxa uu ka digay khatarta uu yeellan karo. Sidoo kale waxa uu Xasan farta ku fiiqay dhinaca dawladda madaxweyne Rayaale oo uu waxoogaa tuur-tuuray. Waxa kale oo uu, iyana ka hadlay dagaal-yahanka SNM oo ku cel-celiyey inay u baahan yihiin daryeel, isaga oo tilmaamay inuu waajibkiisa ugu horayn saarran yahay dawladda dalka ka jirta.

Wasiir-kuxigeenka macdanta iyo biyaha xukuumadda Somaliland, Yuusuf Ciise Talaabo oo isaga laftiisu ka mid ah hogaamiyayaashii ururka SNM xiliyadii uu dagaalka hubaysan kula jirey talisikii Siyaad Barre ayaa isna ka hadlay fagaaraha khayriyadda, halkaana ka jeediyey khudbad siyaasadeed uu dhinacyo badan u dhigay, isaga oo wax ka taataabtay waayihii siyaasadeed ee SNM, khilaafaadkii soo maray iyo waqtigan xaadirka sida uu wax u arko.

Muj. Xasan Ciise Jaamac waxa uu ugu horayn ka sheekeeyey munaasibadda 17-ka Oktoobar iyo sida ay taariikhiyan ku timi iyo weliba halgankii hubaysnaa ee uu soo galay ururka SNM, sidoo kalena waxa uu dawladda Somaliland ugu baaqay inay gacan qabato guud ahaan halgamayaashii SNM, gaar ahaana agoomaha iyo naafada.

“Nimanka talada hayaa nidaamkii hore ha ka mid ahaadeene, meesha talada way ku cusub yihiin, markaa wax la taro mooyee waxay xaq u leeyihiin in muddo la siiyo oo xataa gacal-cunkii yaraa ee aynu is odhan jirey laga daayo, inkasta oo kuwa hadda jooga intii loo qabtay aanu waqti badaniba u hadhin, hadii aanay odhan noo kordhiya sidii qolyihii hore”ayuu Muj: Xasan Ciise, wuxuuna intaa ku daray “Guurtidii baa iminka leh noo kordhiya, waxaana la leeyahay waxa ku daba jirta xukuumadda oo, iyaduna inta ay isa toogto tidhaahda guurtidiiba loo kordhiye anagana na raaciya”. Intaa ka dib Xasan Ciise waxa uu ka hadlay nidaamka doorashooyinka xisbiyada badan ee ay Somaliland hadda qaadatay, wuxuuna yidhi “Maamulkeenu waxa uu ku dhawaaqay doorashooyinka, nidaamkaasi hadii uu sidaa ku hirgalo ilaahay khayrkiisa ha ina siiyo, sharkiisana ha inaga duwo, laakiin waxaan idin xusuusinayaa hawl ay ahayd in la qabto ayaad moodaa inaan la qaban, doorashooyinka xisbiyada badani way ina soo mareen, wuxuuna ahaa nidaamkii dalka lagu xukumi jirey 1960—1969-kii, nidaamkaasna wixii ka dhashay waxaad moodaa inaynu ilownay oo aynaan su’aal-ba iska waydiin, nidaamkaasi waxa uu kii keenay Siyaad Barre”.

 

Xasan Ciise waxa kale oo uu xusay wadamo badan oo ka mid ah Afrika iyo dunida islaamka oo nidaamkaa qaatay, laakiin waxa uu ku tilmaamay inaanu nidaamkaasi si fiican uga naajixin wadan keliya oo wadamadaa ka mid ah. “Nidaamkan waxa isku dayey wadamo badan afrikaan iyo islaam ah, laakiin weli lama hayo meel guul lagaga gaadhay:”ayuu yidhi Xasan, wuxuuna intaa ku daray “Iminkana waxaad moodaa inaynaan iswaydiin nidaamkan sidee baynu dhibaatooyinka isaga oodnaa, isla markaana aynu ula soo baxnaa wixii uu faa’iido yeellan karo, laakiin sidii uu yahay wax cirka ka soo ka dhacay ayuun baynu isku habsiinay oo nidhi cagta ka wada”.

 

Xasan Ciise Jaamac waxa kale uu tilmaamay sida aanay dadku u aqoon nidaamka xisbiyada badan. “Dadkeenu laba xisbi ayey yaqaaniin xisbiga Illaahay iyo xisbiga shaydaanka (Qabyaaladda) xisbi kale ma yaqaaniin, walaalayaal bal waxaad malaysaan qolyihii ay ahayd inaynu nidaamkeena dawladnimo kaga dayano oo ah Khulafadii ( Abuubakar Al-sadiiq, Cumar Binu Khadaab,  Cismaan Binu Cafaan iyo Seyid Cali) oo inta ay afar xisbi kala furtaan oo uu mid-ba midka kale ku leeyahay walaalayaal kaa anigaa aqaan aqaan aktiisa ha marina, haw tegina ee aniga uun I doorta, ummad waliba dhaqan iyo hidde, taariikh iyo mucaamil ayey leedahay,kuwaa ayeyna ummad waliba ku salaysaa distoorkeeda, laakiin hadii aynu distoorkeena ku salayno ummad kale waxeeda, dee dharkooda ma xidhan karno oo taasi inoo geli mayso”.

 

Xasan Ciise waxa uu mar kale jaleecay dhinaca dawladda, isaga oo wax ka sheegay siyaasadeheeda hogaamineed, wuxuuna yidhi “Dawladda hawsha koowaad ee arimaha debedda u taal waxa weeye sidii Somaliland loogu soo dhicin lahaa ictiraac diblomaasiyadeed, laakiin  waxaad moodaa dawladda Somaliland inay difaac uun kaga jirto oo moodo in inaga layna soo weerarayo, balse arinta ictiraacku ma aha arin ku haboon in difaac uun laga galo, laakiin waa arin ku haboon in la weerar tago oo goob kasta oo la tago meel kasta oo uu aduunku ku shirayo ama la inagu qalayo waa inaynu tagno oo aynu nidhaahno na eega oo na ictiraafa waanu jirnaaye, laakiin dawladda Somaliland iinyo ayuun bay haysaa oo halkan uun bay fadhidaa, waar ha dhex-fadhiyina ee adduunka taga, aduunkana waa inaynu u muujinaa inaynu mucaarad iyo muxaafid-ba ka midaysanahay arinaha aasaasiga ah iyo aayaha Somaliland, dawladda Somaliland-na arintaa toban sannadood baanu ku akhriyeynay, waxaadse moodaa inaanay waxba ka dhaadhacayn”

Xasan Ciise Jaamac waxa uu ugu dambayn ka hadlay mawqiskiisa ku waajahan abuuridda ururada siyaasadda, wuxuuna yidhi “Anigu SNM ayuun baan ku buuxay, waayo SNM diiwaan gelin uma baahna, laakiin markii aan arkay inay SNM-tii yara fara badan tahay ayaan ka fekeray xisbi cusub, arintaa istikhaaro ayaan ka galay, ka dibna waan ka joogay inaan galo xisbi cusub”.

 

Intaa ka dib Wasiir-kuxigeenka macdanta iyo biyaha Yuusuf Ciise (Talaabo) ayaa cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyey, wuxuuna ugu horayn ka sheekeeyey waayihii siyaasadeed ee ay Somaliland soo martay afartankii sannadood ee u dambeeyey, isla markaana waxa sheekadiisa ku badnaa hadalo badan oo duurxul ah. “Xaaji Maxamed Xuseen baa arkay reer Hargeysa oo marba xisbi gelaya oo marba gacan wax ku qaadaya oo xisbi walba u dhaaranaya, markaas ayuu yidhi waaryaadhaheen, hubka khatarta ah ee qumbulo duriyaha waxa ka darran xisbiyadaa aad marba mid gelaysaan ee aad u dhaaranaysaaan”ayuu yidhi Talaabo, isaga oo ka hadlaya doorashooyinkii iyo xisbiyadii lixdankii., wuxuuna intaa ku daray “Wadaad suufiya ayaa arkay qolo banaan baxaysa oo waraaqo sawiraysa oo Ina Oomaar oo halkan (Hargeysa) ka sharaxnaa, markaas ayuu yidhi waaryadhaheen wax maydin sheegaa, Haa ayey yidhaahdeen, wuxuu yidhi Ina Oomaar ma jeceshihiin inuu doorashada helo, haa bay yidhaahdeen, markaas ayuu ku yidhi heli maayo, wuxuuna wadaadkii yidhi qolo kale ayaa helaysa, qoladaana qolo kale ayaa habeen ku soo gudaysa oo jeel ku guraysa, qoladaana qolo kale ayaa u imanaysa oo gidaarka-gidaar ugu dhow madax ugu dhufanaysa, taasi waa suufiyadii iyo siyaasadii waqtigaa (69-kii)”.

 

Yuusuf Ciise waxa uu ka sii sheekeeyey xisbiyadii siyaasiga ahaa ee lixdameeyadii iyo muuqaalkoodii siyaasadeed. (Markii Xamar la tegay nin qudha mooyee (Xisbigii C/risaaq X. Xuseen ee DABKA) xisbayada intoodii kale waxay isku shubeen SYL si ay wasiiro uga helaan, nin walibana gaadhi iyo inyar oo lacag ah ayuu iska qaatay”ayuu yidhi Talaabo, isaga oo ka sheekaynaya muuqaalkii siyaasadeed ee lixdamaadkii. Laakiin intaa ka dibna waxa uu waxoogaa ka sheekeeyey ayaamihii taliskii Siyaad Barre iyo sidii loo inqilaabay xukuumaddi rayidka ahayd ee Cigaal, isla markaana waxa uu aakhirkii soo gaadhay ayaamihii halgankii SNM ilaa markii lagu dhawaaqay madaxbanaanidii Somaliland, isaga oo si gaar sharax uga bixiyey mudaharaadadii sannadihii sideetamaadkii magaalooyinka Somaliland ka dhacay iyo xaaladdii ka dhalatay, wuxuuse markii dambe soo gaadhay xaaladihii siyaasadeed ee SNM, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Halgankii la soo galay qolyaha reer Somaliland reer baa u badnaa, markii debedda (hawdka) loo baxay ee halkan (gudaha) laga tegay , waxa debedda nagaga yimi madax la saanyey, lacag la saanyey iyo saddexda xaraf (SNM) iyo qabyaaladii oo la socotey oo Jidda (Sucuudiga) taaley, yeelkkeeda guul baa laga gaadhay halgankii la galay”.

 

Yuusuf Ciise waxa kale oo uu cabaar ka sheekeeyey maalintii dagaalkii Burco-duuray ee loogu magac daray maalinta xuska shuhadada SNM. Laakiin, isaga oo u muuqda inuu yahay nin ka jawaabaya hadalkii Xasan Ciise uu kaga digayey dhibaatada ka iman karta hanaanla xisbiyada badan wuxuu Talaabo yidhi “Xisbiyada badan waxa inoo keenay shirkad baynu galay oo nin SNM ah iyo nin aan ahayn ayaa meel isugu yimi, halkaana shuraako ayeynu ku galay, dadkiina waynu isa saamaxnay, maamulkuna halkii halkii maalintaa heshiiska lagu galay ayuu ku egyahay oo taa waad ogtihiin, laakiin taasi qalad aynu galay buu ahaa waayo waxay ahayd inaynu meel walba dadka dhex-tagno oo hadii ay SNM dalka wada qabsato ictiraaf-kuba cidhiidhi ma galeen, waayo ninka dalkiisa gacanta ku haya cid waliba way iska ictiraaftaa, markaa weli dhulku waa qabyadii, wax allaale wixii waagii inaga soo horjeedayna waa kuwaa ku shiraya Kenya”, wuxuuna intaa ku daray Yuusuf, “Distoorka aynu u codaynay ayaa qoraya hanaanka xisbiyada badan, markaa miyeynu distoorka dafiri karaynaa, dimoqraadiyaduna yey ina liqin ee waxaynu cagaha kala bixinaynaa in furaashka le’eg”, laakiin, isaga oo weli ka sii hadlaya sida dimoqraadiyadda loo dabakhayo wuxuu yidhi “Markii la yidhi ragga iyo dumarku waa siman yihiin waxa la dafiray aayad quraan ah, taas ayaana ina baabi’isay, markaa waxaan leeyahay dimoqraadiyaddu inteedii ha le’ekaato oo habluhuna yey is caddayn, inaguna yeynaan gaalo is moodin”.

 

Mar kale Talaabo, isaga oo ka jawaabaya hadal uu Xasan Ciise dawldda ugu baaqay inay daryeesho dagaalyahankii SNM waxa uu yidhi “Xuquuqda SNM cid dafiri kartaa ma jirto, laakiin xuquuqda SNM sida aynu dalka u qabyeynay ayey weli qabyo u tahay, hadii aanu nahay qoladayada SNM ee xukunka ku jirta ee aad farta u ruxaysaan, waxaan idin leeyahay hanoo lulina farta waa tii aynu halganki dayacnay, waa tii aynu qabyo tiri waynay oo xuduudihii tegi waynay, waa tii aynu sharcigii waxba ku darsan waynay, waa tii aynu qoriga isu qaadanay, markaa inaynu hadda ka tashano sidii aynu u dabaqabatayn lahayn mooyeey, waar dee waa tii aynu hore badh u cunay halgankii”. Laakiin waxa uu masaal u soo qaatay sheeko siyaasadeed Kenya ka dhacday, wuxuuna yidhi “Jooma Kenyatu (Madaxweynihii hore ee Kenya) oo markii dalku xoroobay la hadlaya Kukuyo, Kukuyona keligeed ma soo halgamin ee qolooyinka kaleba way soo halgameen , laakiin waxay ugu badnayd qoladii Mow-mowga ee soo halgantay sidii Isaaqa oo kale, markaa Jooma Kenyatu waxa uu yidhi “Kukuuyoy horta wixii rag ah waxaan leeyahay calankana ilaashada nin gaajo meel la fadhiyana yaanan arkin wax kasta qabo, wixii dumar ahna waxaan leeyahay cidii aad aragtaan Carab iyo Hindi wuxuu doono ha ahaadee hoos dhigta Kukuuyo way yaraatee ha badatee”. “Markaa waan idin ballamayaa”ayuu yidhi, wuxuuna intaa ku daray “Halkii Mow-mowga iyo Kukuyo ayeynu joognaa ee waan idinla yar ballamayaa, waxba kala qarsan mayno, markaa waxaan leeyahay wixii rag ahow shaqeeya, hablahana guursada oo guurka badiya, Kukuuyo oo intaa ka badan baan idinka rabaa rag iyo dumar-ba, laakiin waxay iswaydiintu tahay halgankii maxaa ka hadhay, waxaan leeyahay halgankii waxa ka hadhay calankaa ay ku qoran tahay “Laa ilaaha-ilalaahu Maxamedal-rasuulu laa iyo xabaashaa ee yaan la inaga dul-dhaqaajin”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

 

Dhinaca kalena Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadda ah gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, laakiin ahaa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee ururka SNM soo hogaamiya xiliyadii uu halganka hubaysan ku jirey ayaa inkasta oo aanu tegin kulankii fagaaraha khayriyadda ee xuska 17-ka Oktoobar, hadana munaasibadaa darteed ayuu goor dambe xafiiskiisa ku qabtay shir-jaraa’id oo uu kaga hadlayo xuska maalinta shuhadada SNM ee 17-ka Oktoobar. “Ayaan-daro sababo farsamo darteed ayaanay saaka (Shalay) noogu suurta gelin inaanu tagno khayriyadda”ayuu Hadalkiisa ku bilaabay Axmed-Siilaanyo, ka dibna wuxuu yidhi “Mararka qaarkood dadka qaar waxay jecel-yihiin inaan la soo qaad-qaadin taariikhdii uu halganka SNM u soo maray xoraynta Somaliland, laakiin arintaa waxaanu u aragnaa inay tahay ummad taariikhdeedii ilaawaysa, halgankii SNM-na ma aha wax la is ilowsiin karo, waayo waxa uu ahaa halgan dheer oo naf iyo maal-ba ku baxeen, wuxuuna ka mid ahaa qaybaha ugu waaweyn ee taariikhda reer Somaliland laga soo bilaabo tan iyo markii aynu xoriyadda ka qaadanay Ingiriiska 1960-kii, maalinta 17-ka oktoobar-na meel weyn bay kaga jirtaa halganka SNM, waxaana xusuustaa maalintaa shir weyn baanu shir weyn u fadhinay”.

 

Axmed-Siilaanyo oo xiligaa ahaa gudoomiyaha ururka SNM waxa uu cabaar ka sheekeeyey maalinta 17-ka Oktoobar sannadkii 1984-kii, isaga oo sheegay in inkasta oo uu dagaalkaa rag qiimo lihi kaga dhintay, hadana waxa uu tilmaamay inuu ururku dhacdadaa ku hantay guul iyo sumcad intaba.

“Waa inaan mar qudha la isku deyin in magaca SNM iyo halgankeedii iyo taariikhdeedii hoos loo dhigo, waa xubinta ugu weyn ee ay ku fadhido taariikhda dib-ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland, taana waxaanu jecelahay in la siiyo culayska ay leedahay, waana inuu xuskeedu ku dhaco meelaha Qaranka meesha ugu weyn”ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, wuxuuna intaa raaciyey “Marka taariikhda SNM la soo qaado yaan loo qaadanin, taanu waanu ku nuux-nuuxsanaynaa ee yaan loo qaadanin in qabiil laga hadlayo ee Somaliland baa laga hadlayaa, waayo halganka SNM waxa ku jirey oo qayb ka ahaa dhammaan dadka reer Somaliland oo dhan, taariikhdaasina waa taariikh aan la difiri karin, mana aha wax cid gooniyi leedahay”.

Waxa kale uu Axmed-Siilaanyo ka sheekeeyey waayihii siyaasadeed ee uu soo maray ururka SNM iyo sidii uu ururka SNM ugu guulaystay halgankiisii hubaysnaa, isla markaana waxa uu sheegay in dhinaca kalena uu xiligii dambe ee dhismaha Somaliland yahay xili kale oo taariikhdiisa leh iyo muhimadiisa weyn leh, taas darteed-na ay lagama maarmaan tahay in marxalad walba doorkeeda taariikheed loo qiro, loona ixtiraamo.

Waxa kale oo isna halkaa hadal kooban oo uu munaasibadaa lafteeda kaga hadlayo ka yidhi xoghayaha guud ee ururka KULMIYE, Daa’uud Maxamed Geelle oo isna ka mid ahaa ururka SNM.

 

Dagaalkii 17-kii Oktoobar 1984-kii ka dhacay meesha la yidhaahdo Buco-duuray oo Hargeysa qiyaas 60Km ah ka xigta dhinaca Koonfurta waxa isku haleellay cutub ka tirsanaa dagaalyahankii ururka SNM iyo cutubyo xooggan oo ka tirsanaa ciidamadii taliskii Siyaad Barre ee gobolka Hargeysa fadhiyey, dagaalkaana waxa ururka SNM kaga dhintay rag door ah oo uu ku jirey taliyihii ciidankaa, marxuum: Maxamed Xaashi (Lixle), laakiin maalinta uu dagaalkaasi dhacay ayey idaacadda BBC-du waraysatay Axmed-Siilaanyo oo markaa ahaa gudoomiyaha SNM, taas oo la waydiiyey su’aal ahayd “hadii Lixle idinka dhintay miyaanay idiin dhammaan”, wuxuuna taa kaga jawaabay halku-dheg caan noqday oo ahaa “SNM waa wada Lixle”, laakiin dadka qaar waxay yidhaahdaa Axmed-Siilaanyo waxa uu jawaabtaa samir-siis uga dhigayey dhaawac weyn oo soo ururkiisa maalintaa soo gaadhay, sidaa darteed shirkiisii jaraa’id ee shalay ayaa lagu waydiiyey taa, wuxuuna kaga jawaabay “Maadaama aanu dagaal ku jirey hadii ay nagu timaado wax dhaawac ahi oo uu masalan naga dhinto qof oo sida Lixle oo kale ahi, C/laahi Xaaji waxa uu su’aashiisa u dhigi jirey “Maanta sow idiin-ma dhammaan hadii uu hebel idinka dhintay, taasna waxa uga jeeday inuu niyad-jab ku rido, taasna dabcan kama aanu yeellayn, suurat galna ma ahayn”.

 

Axmed-Siilaanyo waxa kale oo uu jawaabo ka bixiyey su’aal kale oo la xidhiidha waayihii ururka SNM iyo khilaafaadkii siyaasadeed ee markii dambe soo if baxay, wuxuuna ku cel-celiyey inuu ururka SNM mudadii dheerayd ee uu halganka hubaysan ku jirey yahay ururka keliya ku guulaystay inuu midnimo shilis ku dhamaysto waayihii adkaa ee uu soo maray, halka ay jabhadihii kale ee iyaguna mucaaradka ku noqday taliskii Siyaad la liciifeen ama la baaba’een khilaafaad siyaasiya oo hadheeyey, laakiin buu yidhi xiligii dambe ee Somaliland ay tahay taariikh iyo marxalad kale oo ka duwan tii halgankii SNM. 

 

 

Gudoomiyahii Gobolka Hargeysa Iyo Koox Uu Hor-kacayo Oo Ka Jabay Ururka UCID

 

 

H

argeysa (Haatuf): Gudoomiyihii ururka UCID ee gobolka Hargeysa Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh) ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay in isaga iyo xubno kale oo ka tirsan gudigii maamulku ay ka baxeen ururka UCID iyagoo taa sabab uga dhigay markii wax laga qaban waayay khilaaf ka dhashay habka hogaaminta ururka iyo ku dhaqanka shuruucdiisa.

Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh) waxa uu sidan kaga dhawaaqay shir Jaraa’id oo ay shalay xafiiskiisa ku qabteen isaga iyo xubno ka tirsan maamulka UCID ee Hargeysa waxa kale oo shirkaa jaraa’id ku wehelinayay guddiga maamulka ee garabka dhalinyarada ee ururka UCID oo halkaa ka cadeeyay inay ka baxeen kalsoonidiina kala noqdeen uurka UCID. Balse may cadayn halka ay u jihaysanayaan go’aankoodan ka dib balse waxa ay sheegeeninay ka fiirsanayaan ururka ama halka ay ku biiri doonaan.

 

Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh) oo ugu horeyn shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa ka waramay aasaaskii ururka UCID iyo wixii loo sameeyay “waxa aynu isugu nimid inaan idiin cadayno sababaha nagu kalifay inaanu ka baxno ama kalsoonida kala noqono ururkii UCID ee aanu lafdhabarta u ahayn” ayuu yidhi Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh) isaga oo intaa raaciyay aasaaskii ururka UCID iyo marxaladihii uu soo maray “shirkii lagu aasaasay ururka UCID wuxuu ku qabsoomay Hargeysa 18/8/2001, kaasoo lagu doortay Gudoomiyaha ururka, ku xigeenadiisa, iyo shan xubnood oo ka mid ah gudiga fulinta oo tiradooda loogu talo galay in ay noqoto 17 xubnood, kuwaasoo uu xilkoodu ahaa inay muddo lix bilood ah  kusoo dhamaystiraan guddiga fulinta, iyo Golaha dhexe oo ay tiradoodu dhantahay 114” ayuu yidhi isaga oo intaa ku daray in xilka Golaha dhexe uu ahaa inay Madaxda ururka ee ku meel gaadhka loo doortay ay ansixiyaan ama wax ka badelaan balse waxa uu sheegay in aan la dhamaystirin tiradii Golaha dhexe “Golaha dhexe waa tiirka koowaad ee haya urur ama Xisbi, waxyaalaha uu noo qaban lahaana waxa ka mid ah kala saarida tartamayaasha balse golihii dhexe muu qabsoomin ama ma jiro waxaanu noqday mid jeebka lagu sito” ayuu yidhi isaga oo ku eedeeyay Gudoomiyaha ururka Faysal Cali Waraabe inuu la jeestay maamulkii ururka jeebkana uu gashaday “Xisbi nin kaliyihi jeebka gashaday oo gudoomiye sare iyo mid hoosaba aniga ah yidhi ayuu ururkii noqday, ururka barnaamijkiisii iyo xeerarkiisiina in lagu dhaqmo ay ahaydna waa la diiday, gudigii maamulka si ku meel gaadh ah loogu doortay ayaa ururkii isa siiyay” ayuu Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh) yidhi.

 

Isaga oo si gaar ah u soo qaatay dhismhii ururka waxa uu yidhi “gobolka Hargeysa marka laga reebo hal xafiis anigaa maal galiyay oo sameeyay gudoomiyuhu ururkuna ilaa hadda xafiis u gaar ah malaha kaasoo noqon lahaa xafiiska dhexe ee ururka laga maamulo rag aan xaafiis iyo miis wax lagu qoro lahayn oo Mobile sitaana maxayna tari iyagii baa liita e” waxaanu isagoo taa sii wada yidhi “ururka waxaanu u aasaasnay inuu noqdo mid dadka iyo dalka wax tara, magaca uu sito ee caddaalada iyo daryeelkana ka dhabeeeyo balse intaan meel kaleba la gaadhin intayadii ku wada jirnay ayay cadaalad daradii ka dhex muuqataa” “markay noo cadaatay inaan urur wada shaqeeya dan laga lahayn, inaanu jirin damac fog oo ururku leeyahay, inaan tabashooyinka ururka dhexdiisa la qiimayn, markay taladii ururka iyo maamulkii gacanta u galeen nin kaliya ama koox yar waxaanu maanta doonayaa inaan idiin cadeeyo inaanu kalsoonidii iyo xilkii aan kala noqday ururka UCID aniga iyo inta badan xubnaha maamulka gobolka Hargeysa aniga oo cadaynaya inaanu hadafkayagu ahayn kursi doon iyo sacab garaacis bilaa macno ah ee uu yahay fikir saliima oo aanu ku doonayno in ururka iyo xilkayaguba ahaadaan qaar toosan” ayuu hadalkiisa ku soo gebgebeeyay Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh)).

 

Intaa ka dib waxaa iyaguna Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh) hadalka ka daba qaatay qaar ka mid ah masuuliyiinta ururkaasi ee degmooyinka Hargeysa oo iyaguna cadeeyay inay ku raacsan yihiin Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh) mawqifka ah inay ka baxeen ururka UCID.

 

Waxa kale oo iyaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay madaxdii garabka dhalinyarada ee ururka UCID oo iyaguna cadeeyay inay ka baxeen ururkaasi bayaan uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee UCID C/Risaaq Ismaaciil Maxamed ku xigeenkiisa uuna akhriyay Xoghayaha guud  ee dhalinyarada Axmed Maxamed Siciid waxa ay ku sababeeyeen, go’aankoodan inuu ka dhashay markii uu ururkaasi baal maray Dimuqraadiyadii uuna noqday mid la isu yeedhiyo ayay yidhaahdeen lagana leexday talo wadaagii iyo qodobo kale oo ku dhawdhaw kuwa Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh) ee aynu hore u soo sheegnay.

Haddaladaa ka dib waxa ay wariyayaashu waydiiyeen Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh) su’aalo ay ka mid yihiin inuu khilaafkoodani bilaamay markii uu dalka yimid siyaasiga Cumar Carte Qaalib waxa uu kaga jawaabay “khilaafkayagu wuu ka horeeyay imaatinka Cumar Carte Qaalib oo muddo ayuu soo jiitamayay waana mid gudahayaga ka yimid wax xidhiidhna lama laha Imaatinka Cumar Carte” mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd ururka ay haatan ku biirayaan waxa uu yidhi “haatan ma cayimi karo ee ururkii aanu wax wada qabsan karnaba waanu isku biiraynaa” dhinaca kalena war xalay uu soo saaray Xoghayaha guud ee UCID Axmed Muuse Geedi (Sanjab) ayuu ku sheegayinuu kadiso ku noqday warka ah inuu Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh) ka baxay ururka taasoo ay ka maqleen warbaahinta. Waxaanu qiray inuu Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh) ahaa Gudoomiyihii gobolka Hargeysa ee UCID isaga oo intaa ku daray in ay ugu hambalyaynayaan go’aanka shakhsiga ah ee uu qaatay. Balse waxa uu beeniyay inuu wax khilaaf ahi ka dhex jiro ururka UCID go’aanka Xasan Cabdi  Maxamed (Xasan Xaydh)na waxa uu ku tilmaamay mid shakhsi ah.

 

Waxaanu intaa ku daray in jagadii uu hayay loo magacaabay masuul cusub oo ah Cali  Xasan Ibraahim oo ka tirsan Golaha dhexe ee UCID, haatana noqonaya Gudoomiyaha ururkaasi ee Gobolka Hargeysa. Xasan Xaydh ayaa isaguna shalay gelinkii dambe calamadii UCID ka dejiyay xaruntiisa xafiiska Gobolka iyo afar ka mid ah xafiisyadii UCID ku lahaa shanta Degmo ee Hargeysa, sida ay noo sheegeen warar ku dhawdhawi

 

Yaa Mas’uul Ka Ah Hantida Dawladda Ee Aan La Diiwaan-Gelin

Axmed Muuse Geedi (San-Jab)

H

argeysa (Haatuf): Xoghayaha guud ee ururka UCID ayaa soo gaadhsiiyay Wargeyska Haatuf qoraalkan hoos ku qoran oo uu Axmed Muuse Geedi (Sanjab) kaga hadlayo diiwaan gelinta hantida dawldda iyo dayacaad ku dhacday.

Min maalintii Somaliland gooni isu taagtay ilaa maanta wax qoran oo la raad raaco oo tilmaamaya noocyada, tirada, iyo qiimaha  hantida Qaranka ee ma guurtada ah (i. E sida xafiisyada, iskuulada, cusbitaalada, guryaha, dekedaha, gegooyinka diyaaradaha, dhulka danta guud iwm ah) iyo hantida guurta (ie sida gaadiidka dawladda, qalabka xafiisyada, makiinadaha dabka dhaliya, kombuyuutarada, makiinadaha kala jaad-jaadka ah iwm ah.)

 

Waxa igu maqaala ah in qalab badan oo laga bililiqaystay warshadii sibidhka ee Berbera la geeyay wadan aynu jaar nahay, ka bacdina warshad sibidh ah oo wadankaas ku cadilneed muddo 15 sano ah ay daweeysay, ka bacdina warshadaasi shaqeyso. Qalabka warshadaas laga bililqaystay cid garan kartaa ma jirto maadaama aan warbixin sugan aan laga qorin xaaladeeda siduu ahaa markii wadanka laga xoreeyay kalidii taliyihii siyaad Bare.

Waxa ayaan darro lama filaana noqotay sida masuuliyiintii xukuumadihii jiray min waqtigaasi Somaliland la soo noqotay xoriyadeeda ilaa maanta inaan wax diiwaan galin ah amase tiro koob lagu samayn hantidii dawladda. In kastoo golayaasha xeer-dejintu ansixiyeen in lagu dhaqmo xeerarkii lagu maamuli jiray maalka iyo hantida dawladda kuwii laga dhaxlay dawladihii hore 1993kii, misna lama hirgalin. Haddii la hirgalin lahaa sharciyadaas hantidaas waxa maamulka lahaa sida hoos ku cayiman.

 

1.       Sida uu qeexayo sharciga lagu maamulo hantida dawladda (I. E store regulations) waxa lagama maarmaan ah in hantida dawladda ee ma guurtada ah iyo ta guurtada ah (moveable and immoveable property) in loo sameeyo diiwaano la galiyo (Asset Ledgers), diiwanadaas waa inay caddeeyaan nooca ay tahay hantidaasi, qiimaha ay mudantahay iyo cimri-dhinka (Depreciation) lagu samaynayo, amase qiimaha ku kordhinaya haddii maal galin lagu sameeyay taas oo cimri dherer u kordhinaysa sheegaas sanadwalba (eega lifaaqa koowaad).

2.       qodobka todobaad (article 10) ee lagu maamulo hantida dawladda, wuxuu u xilsaaray Xoghayayaasha, dawladdaha hoose in ay ilaaliyaan oo ay formka ku sameeyaan saddexdii biloodba mar, iyagoo kaashanaya Madaxda waaxyahooda.

3.       agaasimaha waaxda maamulka lacagta iyo hanti dhowrka guud ee Qaranka, waa inay hubiyaan in hantidu meel haboon ku keydsantahay, wixii loogu talogalay loo isticmaalay, lana dayac tiro.

4.       Xoghayaha D/hoose waa inuu xaqiijiyaa in cidda loo dhiibay maaraynta hantida (store-keepers) ay yihiin kuwo si fiican u yaqaan sharciga lagu maamulo hantida, garnaya sida loo qaybiyo hantida (classifacation of assets)

5.       qodobka 12aad ilaa 175aad wuxuu sharaxaad buuxda ka bixinayaa sida ay tahay in loo maamulo hantida iyo qalabka dawladda oo dhan. Waxa Haddaba Madaxda waaxyaha laga codsanaynaa inay sharcigaas (Store Regulation) hirgaliyaan, si loo hubiyo daryeelida hantida dawladda.

Maayarada waxa laga rabaa inay kormeer sugan ku sameeyaan sidii liisaska hantida dawladda hoose oo dhamaystiran lehna tafaasiisha ku xusan lifaaqa bisha November dhamaadkeeda ama deeq ahaan loo siiyay. Hanti dhawraha Qaranka iyo Madaxda Wasaaradda arrimaha gudaha waxa ku waajib ah inay dabagal ku sameeyaan in la fuliyay sharcigaas iyo in kale ka bacdina talaabo lagu saxayo wixii aan loo hirgalin sida sharcigu farayo la hagaajiyaa.

Sidoo kale waa laga rabaa xisaabiyaha guud inuu hubiyo in waxa ala wixii hanti- ma guurta ah, amase guurta ah ee dawladda dhexe kasoo iibsatay miisaaniyadeeda amase deeq loo siiyay. Waxa xaraan ah xisaabiyaha guud inuunu bixin lacagta lagu soo iibsaday hantida noocaas ah ilaa loo keeno cadayn tilmaamaysa diiwaangalinteeda.

Waxa waajib ku ah xisaabiyaha guud inuu hubiyo in Wasaarad waliba hirgaliso sharcigaas oo saddexdii biloodba mar warbixin faahfaahsan loo gudbiyo, si ugu suurta gasho inuu xisaab xidhka saxa u sameyn karo bilwalba, saddexdii biloodba iyo sanad walba. Hay’adaha madaxa banana waa in hantideeda loo maamulaa sidan oo kale ilaa inta looga samaynayo nidaam xisaabeed ku salaysan ka shirkadaha Ganacsiga ah.

Mar aan waraysi la yeeshay guddida dhaqaalaha ee Golaha wakiilada waxay ii sheegeen inaanay marnaba wali ka helin Xukuumadda xisaab-xidh sheegaysa baaxada ay leegtahay qiimo ahaan hantida dawladda dhexe, ta dawladda hoose iyo hay’adaha madaxa banaan muddadii lala soo noqday madax-banaanida Somaliland ilaa hadda.

Gunaanad iyo talo bixin

Fadeexadan waxa keenay xukuumada iyo Golaha wakiilada oo ka soo bixi waayay masuuliyadii sharciyadu qeexeen, waxan eeda u wayn leh labada xafiis ee loo abuuray inay kala taliyaan hirgalinta sharciyada maamulka lacagta iyo hantida Qaranka kuwaasoo oo kala ah hantid-dhawraha guud iyo xisaabiyaha guud. Waxa iga talo ah in si degdega ah loo saxo arrintan foosha xun leh.

Shacab weynaha Somaliland waxan ku goobaabinayaa inay dabagal ku sameeyaan in arrinta Golaha Xukuumadda iyo Golaha wakiiladu inay warbixin sugan keenaan hantida Qaranka inta ka horeysa doorashooyinka dawladaha hoose, laguna faafiyaa jaraa’idka wadanka ka soo baxa.

Axmed Muuse Geedi (San-Jab) X. Guud Ee UCID

 

Isir Soomaali Dalkii Soomaaliya Dib Loogu Wadaagi Maayo

Soomaaliya sida caalamku u yaqaan waa labadii dal ee Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumaysan jireen, kuwa yaalla cidhifka bari ee geeska Afrika, hase yeeshee ereyga Soomaali ama dadka Soomaaliyeed waa dhammaan haybta qowmiyada Soomaaliyeed, meel kasta iyo dal kasta oo ay degaan oo ku aroora sinjigaasi oo ku hadla afka loo yaqaano amaba loo bixiyay Af-Soomaali.

Haddaba sinjigaasi Soomaali waxa gumaystayaashii reer Yurub qarnigii 19aad deegaan faransiis qabsaday deegaan ingiriis qabsaday, deegaan talyaani gumaystay, iyo deegaano dalalka Itoobiya Iyo Kiiniya gumaystayaashugacanta u galiyeen.

 

Qowmiyada soomaali markii ay Sidaasi u dhaceen waxay olole xoogan oo af iyo adinba leh u galeen sidii ay heeryada gumaysiga iskaga tuuri lahaayeen, balse waxa sanadkii 1960kii xorriyadooda ka qaatay labadii deegaan ee Ingiriis iyo Talyaani oo iyana iyagoo jibadii qowmiyadaha soomaali ku jirto ay samaysteen dawlad magaca soomaali sidata. Durbadiiba waxay labadaasi gobol ay hoy u noqdeen dadkii isir soomaali oo ay si deeqsinimo naf hurid ah aan xataa meel laga sheegto aanay jirin iska daa hogaaminta dalkii Soomaaliya, taasoo xorriyadii labadii gobol ay qaateen waxba u qabanin sababta oo ah wax rar culusi kaga yimid isirka soomaali oo maamulkoodii dul iyo hoosba u dhex yaacay, isla markaasina cadowtinimo ma hadho ah u geliyay Itoobiya taasi oo dhaxalsiisay dadkii deganaa dalkii la odhan jiray Soomaaliya ka dib markii ay ku talaabsadeen in la cidhibtiro oo ugu dambayntii ku khasabtay dadkii deganaa gobolkii Ingiriisku gumaysan jiray inuu iska xoreeyo isirka soomaali oo dhulwenahoodii ay dib u dawladeeyaan oo ka dhalatay dhiigii halyayadii SNM ee ilaahay u kiciyay oo lagaga dhawaaqay Burco 1991kii jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo magaca Somaliland loola jeedo inuu xusuusta ku soo jiro si xornimo ka qaadashadii dalka Ingiriis seeska loogu taago xornimadaasi oo ahayd in qof waliba goobtiisa tago (go home)

Dhinaca goboladii koonfureed oo talyaanigu gumaysan jiray umay suura galin inay iskood dawlad u samaystaan sababo ah inay ku dhex Milan yihiin amaba ay dhexda u marten dadkii isirka soomaali ah ee dhulkoodu ahaa Kiiniya, Itoobiya amaba Jabuuti oo cad inay xoog siyaasiya ah ku leeyihiin maadaama ay Muqdisho u ahayd xarun (caasimad).

 

Haddaba iyadoo xiligani uu caalamku ku soo yara durkaayo, xaqaa’iqa amaba ku soo dhawaanayo ee shirka Kiiniya magaalada Eldoret oo dalka Jamhuuriyada Somaliland(Dalkayagu ) aanu ku jirin jiri doonin (haddii ilaahay laga helo) oo reer Ingiriis iyo reer Talyaani loo kala saaray meeshana wali waxaan caalamku fahmin inay qori faraaro leh shirkana kaga horjoogsadaan amaba ka saaraan dadka isir soomaali la xusul duuban oo magacaasi uu  soo hiinracaya oo abtirsiimo ahaan la waydiiyo deegaanka koonfureed halka uu ka dego.

Tubtaasi oo haddii aan si faahfaahiyo ah in dadka sida gaarka ah u leh deegaanada koonfureed ee Soomaaliya ay keligood dhistaan, maamulkooda, keligoodna shiraan, ileen iyaga ayaa is yaqaanee markaasi ka dib ayay is doonan karaan iyagoo (waa reer koonfureede) xukuumad gaar ah leh, dhigooda Jamhuuriyadda Somaliland haddii ay is daneeyaan. Ma arko suurta galnimada arrintaasiye. Gebagabadii reer koonfureedow reerkiina daalay dejiya oo si fiican u ogsoonaada inaan isir soomaali dib loogu wadaagayn goofkiina xamar caday oo idinku gaar u leedihiin, iyadoo aanu anaguna aan Hargeysa Hadhwanaag iyo Heegada aanu gaar u leenahay.

 

Dawladda Faransiiska Oo Djibouti Cadaadis Ku Saartay Joogitaanka Ciidamada Maraykanka

 

D

jibouti (Al-Zaman) – Dawladda Faransiiska ayaa cadaadis ku saartay xukuumadda Djibouti inay joojiso saldhigyada ay dalkeeda ka siisay ciidamada Maraykanka, taas oo keentay in ay dawladda Djibouti sheegto inaanay ujidiidinayn heshiiska ay ciidamada Maraykanku haatan ku joogaan dhulkeeda, kaas oo ku eg daboyaaqada bisha soo socota.

Sida uu qoray wargeyska Al-Zaman ee luuqada Carabiga kaga soo baxa London cadadkiisii 1335 ee soo baxay 11/10/2002. waxa ay tani ka dambaysay markii madaxweyne Jack Chirac iyo Ismaaciil Cumar Geele oo booqasho ku tegay magaalada Paris, kulankaasi oo uu madaxweynaha Faransiisku ku cadaadiyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele inuu ka noqdo heshiisyada uu saldhigyada ugu oggolaaday Jarmalka iyo Maraykanka, isaga oo ka cabsi qaba tartanka ka dhaxeeya labadooda inuu cidhiidhi geliyo.

Isticmaalka ciidamada Maraykanka ee saldhigyada Djibouti waxa ay ka dambaysay waxa loogu yeedhay la dagaalanka argagixisada oo laga cabsi qabo inay saldhigyo ka samaystaan Badda Cas si taa looga hortagana waxa uu Maraykanku xoojiyay ciidamada ka jooga Djibouti.

 

Boqor Ciise Haybe Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa

 

“Boqor Ciise Waa Boqor Arab” Guddoomiye Ku Xigeenka G.Hargeysa Cali Cawil

H

arg (Haatuf): Boqor Ciise Haybe Khayre oo 19-kii bishii September lagu caleemo-saaray degmada Balli-gubadle ee gobolka Hargeysa, ayaa shalay dadweyne tiro badan oo lulayay ubax iyo caleemo qoyan ay ka soo dhaweeyeen magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Boqor Ciise ayaa dadweynihii soo dhoweynayay oo isugu tegay Hargeisa Club, waxaa hadal kooban u soo jeediyay isaga oo ku hadlaya magaca dawladda K/xigeenka Badhasaabka gobolka Hargeysa Cali Cawil, waxaanu yidhi; “Maanta oo ay bishu tahay 17/10/2002, waxaa magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa yimid Boqor Ciise Haybe Khayre oo lagu caleemo-saaray degmada Balli-gubadle 19-kii bishan September, anaga oo xukuumad ahaan iyo Somaliland ahaan ka soconana waxaanu ku soo dhoweynayn, oo ku soo gelbinay Boqor Ciise Haybe Khayre oo ah Boqor Arab. Waxaanu Ilaahay uga rajaynaynaa inuu hawlaha loo xil-saaray uu u fududeeyo, isagana karaamada iyo hawlaha ka muuqda Ilaahay hawlaha ugu fududeeyo.”

K/xigeenka Badhasaabka gobolka Hargeysa, Cali Cawil wuxuu hadalkiisa ku daray in uu rajaynayo in Boqor Ciise uu kaalin wanaagsan ka qaadan doono isu soo dhoweynta madax-dhaqameedyada Arab iyo kuwa Somaliland.

 

Boqor Ciise Haybe, Boqorka beesha Arab, waxaa dhinaca midig ka fadhiyay Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka mid ah salaadiinta beesha Arab, waxaanu k/xigeenka Badhasaabka Hargeysa Cali Cawil uu sheegay in uu Suldaan Maxamed kaga hortegay Masallaha si uu u soo dhoweeeyo Boqor Ciise oo ah boqorka beesha Arab.

 

Dadweyne aad u tiro badan oo lulayay ubax iyo caleemo qoyan ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen; “Soo dhowow boqor Ciisow, soo dhowow boqorkayagiiyoow.” Boqor ciise Haybe Khayre oo degay guri ku yaal Koonfurta Hargeysa, wuxuu ka soo ambo-baxay magaalada Balli-gubadle, xarunta degmada Balli-gubadle 8:00 aroornimo ee shalay, isaga oo soo galay Hargeysa barqanimadii shalay. Soo dhoweynta kadib waxaa guriga uu degay hortiisa ka sii socday ciyaaro ay haweenku isla heleen jiibta iyo jaanta oo ka mid ahaa qaybaha soo dhoweynta iyo dabbaal-degga lagu soo dhoweynayay Hargeysa Boqor ciise oo beesha Arab ay ku boqortay B/gubadle 29 maalmood kahor.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo siyaasiyiin kale oo caana ayaa ka mid ahaa dadweynaha shalay sida ballaadhan ee baaxadda leh ugu soo dhoweeyay Boqor Ciise magaalada Hargeysa.

 

Madax Ka Tirsan Maraykanka Oo Soo Dhoweysay Heshiis Somaliland Ay La Gashay Shirkad Caalami Ah

H

argeysa(Haatuf): Xukumadda Somaliland ayaa maalintii khamiistii ee todobaadkii hore la saxeexatay heshiis dhinacyo badan leh shirkad ajaanib ah oo qaabilsan soo saarista batroolka iyo macdanaha ku aasan dhulka hoostiisa.

Shirkadan oo la yidhaa Seminol Group Copenhagen waxa uu heshiiskani u fasaxayaa inay gaasta dabiiciga ah iyo batroolka ka soo saaraan galbeedka Somaliland waxaa kale oo heshiiskan ku jira qodob dhigaya in dib u hagaajin iyo dayactir lagu sameeyo warshada sibidhka ee Berbera. Waxa kale oo ka mid ah macdanaha uu qorshuhu yahay in la soo saaro dhuxul dhagaxda, oo Somaliland aad ugu buuxa laguna qiyaasay inuu dhulka Somaliland ku jiro ilaa 5 malyuun oo tan iyo noocyo kale oo ka mid dhagxaanta iyo macdanaha Zercon iyo Titanium.

 

Shirkadan oo ka soo farcantay shirkada weyn ee Seminole Oil & Energy waxa uu qorshuhu yahay in muddo 21 maalmood gudahood ay ku bilowdo hawlaha ay ku balan qaaday lagu soo bilaabo markii heshiiskan la galaay. Heshiiskan labada dhinac isla gaadheen waxa dhinaca Xukuumadda Somaliland u saxeexay Wasiirka macdanta iyo Biyaha Maxamed Cabdi Faaraax dhinaca shirkadana waxa u saxeexay Faysal Qaasim oo ah madaxa shirkada hawl fulinta ee shirkadaasi.

 

Shirkadani waxa ay dalka ku timid dhexdhexaadin uu sameeyay Cabdala Diiriye oo ah muwaadin u dhashay Somaliland oo ku xeel dheer soo jiidista shirkadaha batroolka qoda, kuna hawl gala wakiilnimo. Shirkada weyn ee hawsha loo xilsaaray waxay laamo ku leedahay gobolka tirsan Maraykanka waxaana la sheegay in Madax ka tirsan Maraykanku ay soo dhaweeyeen heshiiska ay shirkadaasi la gashay Somaliland.

 

Wefti UDUB Ah Oo Booqday Degmooyinka Hargeysa

H

arg (Haatuf): Wefti ka socda ururka UDUB oo uu hoggaaminayay xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta ee ururkaasi Ismaaciil Mire Maxamed oo ay weheliyaan guddoomiyaha ururkaasi ee gobolka Hargeysa, Xuseen Cali Xirsi iyo xoghayaha gobolka Khadar Daahir ayaa shalay gelinkii dambe ku soo laabtay Hargeysa, kadib markii ay socdaal ku soo mareen degmooyin iyo degaamo ka tirsan gobolka Hargeysa oo ay ka mid yihiin degmada Balli-gubadle iyo tuulooyinka Garabis, Sayla Bari, Gumar iyo Gumburaha. Waxa kale oo ay shalay soo mareen Balli-cabane, weftigan oo ay ujeedadiisu ahayd wacyigelinta bulshada iyo ololaha u diyaar-garowga doorashooyinka waxa ay mudadii ay dhulkaasi marayeen khudbado u jeediyeen dadweynaha ku dhaqan dhulkaasi oo ay kala hadleen u diyaar-garowga doorashooyinka.iyo barnaamijka UDUB ee ku wajahan sidii wax loogu qaban lahaa bulshada degaanadaasi, haddii ay ku guulasytaan doorashooyinka, iyaga oo dadweyanaha ka codsanayay inay codkooda siiyaan UDUB.

 

Weftigan oo hroe u soo maray degaanada cadaadlay iyo Saba-wanaag, waxa uu qorshahoodu yahay inay booqdaan degaamo kale oo ka tirsan gobolka Hargeysa.

 

 

 

 

Sheeko Taxane Ah:

Quruxdeedaa Sababtay Qalalaasaha Nolosheeda

 

Q:17aad

C

ali Suudaani wuxuu wadada kula kulmay Najiib iyo Jaamac Irbad oo wada socda, cod iyo gacanta oo uu taagayo ayuu isku daray; “Najiib ii joog.” Waanu maqlay Najiib iyo Jaamac Irbad oo qooraansaday in qofka u yeedhayaa uu yahay Cali Suudaani. Gaadhigii ayay u joojiyeen, Cali Suudaanina wuu fuulay, dhaqaaqii kadibna Cali Suudaani wuxuu shitay midh sigaar ah oo uu ka qaaday Najiib. Waxoogaa ayaa la kala aamusnaa oo aanay hadalo is-weydaarsan saaxiibada kulmay ee Jaamac iyo Najiib oo wada socday iyo Cali Suudaani oo isagu hadda soo raacay. Jaamac Irbad oo fahamsan kollay in uu Cali Suudaani ka yimid sheeko haween ayaa ku bilaabay; “Cali, Canab Indho-jacayl ma is aragteen maalintii ay diiday ballankii aad la ballamaysay kadib.”

Cali oo ay weli dhegihiisa ka sii guuxayaan ereyaadii ay Canab isa soo yidhaahdeen kulankoodan ayaa yidhi; “Canab Indha-jacaylna maahee waa tii noqotay Canab Indho-shabeel ee miciyo iyo ciddiyo yeelatay. Ma adaa warba haya.”

 

Najiib iyo Jaamac oo midkoodna waday gaadhiga, ka kalena fadhiyay kursiga hore ee shidhka gaadhiga ayaa is-eegay, iyaga oo fahmay in Cali jac weyn kaga soo dhacday xaggii Canab. Najiib ayaa yidhi; xageen ku geeyaa Caliyoow. Cali wuxuu ugu jawaabay; “Xaggeed I geyn, caawa xagaad tihiin uun baan ahay.”

Najiib iyo Jaamac oo qorshahoodu ahaa in ay tagaan guriga Najiib ayaa goostay in uu Cali Suudaanina u raaco, si ay uga qaybgalaan casuumad habeenkaa loogu sameeyay guriga reer Najiib nin la yidhaa Cabdi Maalik Raxle oo ay isku meel ku wada nool yihiin Abiib Goohe oo ah Luul walaalkeed. Cabdi-malik waraaqo iyo alaabo kale oo hadiyad ah ayuu uga siday Luul walaalkeed Abiib Goohe, sidaas ayay isla garteen inay caawa casuumad u sameeyaan reer Najiib.

Najiib iyo saaxiibadii ayaa ka wada qaybgalay casuumaddii ay u sameeyeen, waxaana raaligeliyay Cabdi-maalik Raxle sawiradii arooska reer Najiib ee ay gashanayeen dharka hiddaha iyo dhaqanka ah, waxaanu aad indhaha ula sii raacay sawiradii Luul oo leh hub-qaad dheeraad ah oo aad u qurux badan. Cabdi-maalik wuxuu u sheegay Luul in ay sii diyaargarayso wixii war iyo waraaqo ah ee ay u dirayso walaalkeed 15 cisho kadib marka uu noqonayo, inta ka horaysana uu aad ugu faraxsan yahay barashada Luul oo ay walaalo yihiin Abiib oo ay aad isugu dheer yihiin. Intaa wuxuu ugu daray in haddii ay wax lacag ah u baahan tahay uu isagu sii siin doono oo uu Abiib ku soo ballamiyay iyada iyo reer Gooheba.

Cali Suudaani, isagu hadal badan muu ku darsan sheekada socotay, waxaanu inta badan indhihiisu ku maqnaayeen jawiga quruxda badan ee ka jira guriga reer Najiib iyo Luul oo ag-fadhiday ninkeeda Najiib oo ay ku wada dhaqmayeen ixtiraam iyo kala dambayn ay ka muuqato inuu jacaylkoodu midha-dhalay iyada iyo Najiib.

 

Cali Suudaani wuxuu xaaladda casuumadda uu joogay uu bar-bar dhigay sida foosha xun iyo kala firdhashada uu ku dhammaaday xidhiidhkii ka dhaxeeyay isaga iyo Canab Indho-jacayl. Waxaa kale oo uu is barbar-dhigay Cali Suudaani halka ay wada fadhiyaan hadda Najiib iyo Luul ee casuumaddan quruxdeeda iyo halkii ay caawa wada fadhiyeen isaga iyo Canab oo ahayd sees guri qabyo ah oo madow. Cali Suudaani wuxuu hoos ahaan ugu garaabay Canab Indho-jacayl, isaga oo u fasirtay in Canab ay dulucdeedu ahayd inaga saar hab-dhaqankan madow oo inoogu tali meel bilicsan sidan Luul iyo Najiib.

Canab Indho-jacayl hadda socodkeeda ay dibedda ugaga baxdo gurigoodu ma badna sidii ay habeenkii u kala cadhoodeen Cali Suudaani. Hooyadeed Khadiija Cod-libaaxle waxay beryahan aragtaa in ay inanteedu waqti badan ku qaadato buug ay akhrisato oo ahaa buugii sheekada “Ayaan-daran”, maadaama ay Khadiiji ay ka mid ahayd hooyooyinka tirada badan ee aan soo marin fursadda waxbarasho. Laakiin waxay fahamtay in ay Canab waxa buugan ay ka akhridaa yahay arrin xiiso-gelisay Canab, waxaanay Khadiiji dareensanayd in Canab aanay beryahan u sheegin cudur-daaradii ay u sheegi jirtay ee ahaa heblaayaan wax ka soo qaadanayaa ama waxaan soo salaamayaa reer hebel.

 

Khadiija oo la hadlaysa inanteeda Canab ayaa tidhi; “Hooyo anigaa kaa bixinaya lacagtooda ee soo iibso buugaagta la midka ah buugan wanaagsan ee aanad cidba haleelin heblaayo iyo meel toona.” Canab may odhan erayo sii dhaafsiisan “waayahay hooyo.” Waxaanay sii wadatay akhriskeedii buuga, waayo waxay maraysay meel xiiso leh oo ka hadlaysay dood dhexmaraysay Asli saaxiibadeed iyo ninkii lahaa sababta ay Asli kula kulantay sheekada Ayaan-daran.

Asli Saaxiibadeed waxay u sharraxaysay ninkaa in ay Asli ahayd inan dhowrsanayd oo aan lahayn xidhiidh iyo barasho rag kale. Sidaas daraadeedna uu ku qanco inuu yahay aabaha uurka ay leedahay Asli iyo sida uu ninkaasi ugu gacan-saydhay ee uu u yidhi; “Aniga ha iila iman sheekadaa.”

La soco……………..

 

 

Taariikhda Cadan Iyo Somalidii Ku Noolayd

M

agaalada Cadan Dekedda ah ee ku taala meel boqol Mayl dhinaca bari ka xigta mariinka Bab-al-Mendab ee laga galo Badda Cas. Qaybta bari ayay ku taalaa magaaladu iyo dekedda Cadan. Dhinaca galbeed waxaa ku yaaal magaalada loo yaqaan (Cadantii yarayd).

Sannadkii 1955-kii Soomaalida ku nool Cadan waxay tiradoodu ahayd 10,611 (toban kun iyo lix boqol iyo kow iyo toban qof).

Cadan dekeddu waxay kaga taalaa waqooyiga galbeed ee magaalada, garoonka diyaaradaha ee Cadan wuxuu u jiraa 7 mile dekedda Cadan.

Dhinaca koonfureed waxaa ku taala xaafadda Sheekh Cismaan ee ku caanka ah wershadaha cudbida farsameeya oo ka sameeya dhar.

Xilliyadii hore Cadan waxay ahayd meel ay ganacsigu isku weydaartaan u gooshaya ama ka yimid dalalka la jaarka ah sida Somaliland, Ethiopia, Eritrea, Yemen, Saudi Arabia iyo xeebaha kale ee Afrika.

Cadan waxaa ku noolaa sannadkii 1955,4484 qof oo reer Yurub u dhashay, 15,817 ahaa Hinid iyo 831 qof oo u dhashay Israel  iyo dadyow kale oo tiradoodu dhan tahay ilaa 3000 kun oo qof.

Markii ugu horraysay muddo hore oo taariikhda ah Cadan waxay noqotay marso ku caan ah ganacsigii u dhaxeeyay Yurub iyo Bariga ee xawaashka iyo Uduga, ganacsigaas oo Cadan keenay boqortooyooyinkii Saba (Sheba), Ma’in, Qataban iyo Himyar).

 

1513-kii ayaa Cadan waxaa soo weeraray Bortaqiiska, 1538-kii ayaa Cadan waxaa qabsaday Turkigii.

1728-kii Cadan waxaa qabsaday Suldaankii Lahej oo ka qabsaday Imaamkii Yemen. 1839-kii ayaa Cadan waxaa qabsaday shirkaddii Ingiriiska ee British East Indian Company muhiimadda ganacsi ee dekedda Cadan. Waxaa sii weynaatay kadib markii la furay Kanaalka Suez sannadkii 1869-kii jasiiradda Cadan ku taal ee Perim ayuu Ingiriisku qabsaday sannadkii 1857, jasiiradda kale ee iyaduna ka tirsan Cadan ayuu Ingiriisku ka qabsaday Turkiga sannadkii 1915-kii.

 

April sannadkii 1937-kii ayaa Cadan laga gooyay maamulkii Ingiriiska ee Hindiya, waxaanay yeelatay maamul u gaar ah. Lacagtii Rubiyadaha ahayd ee Hindiya, laguna isticmaali jiray Cadan ayaa laga joojiyay. Waxaa laga bilaabay inay ka socoto shilinkii Ingiriiska maamulkiisa ee bariga Afrika.

Dhammaadkii 1957-kii ayaa Cadan loo sameeyay distoor kaasoo ka hirgalay sannadkii 1959-kii. 1939-kii, Cuqaashii degaanada ku dhow Cadan heshiisyo la galay Ingiriiska, si ay u noqdaan maxmiyad uu Ingiriisku ilaaliyo.

Heshiis cusub oo uu ku jiro xataa Suldaankii jasiirada Soqadara (Socotra) ayay la galeen salaadiintii iyo cuqaashii xukumaysay degaanadaasi Ingiriiska sannadkii 1955-kii.

Badhasaabka Cadan wuxuu ahaa oo kale Badhasaabka maxmiyaddii Cadan oo ay maamulkeeda Ingiriiska ay hoos-yimaadaan dhulka u dhaxeeya Yementii laga xukumi jiray Cadan ilaa xuduuda Cumaan. Badhasaabka Cadan oo ahaa nin waddaniya oo ay la taliyeyaal u ahaayeen saraakiil Ingiriis ahi.

Badhasaabka degaanada maxmiyadda Cadan waxaa magacaabi jiray Salaadiinta iyo musheekhda degaanadaas, dowladduna way aqoonsan jirtay.

Maamul federal ah oo ka jiray Koonfurta maxmiyaddii loo yaqaanay Cadan ayaa sannadkii 1959-kii heshiis saaxiibtinimo la samaystay boqortooyada Ingiriiska. Maamulkaa federaalka waxaa ku jiray lix Saldanadood oo la kala odhan jiray; Beihan, Dhala, Audhal, Fadhli, Yafa-da hoose iyo Aulaqulga sare.

Guud ahaan Maxmiyaddaas ka koobnayd Salaadiinta iyo Musheekhdu waxay noqotay koonfurta Yemen oo caasimaddoodu tahay Cadan. Laakiin hadda wuxuu dhulkaas iyo Cadaniba ay ka mid tahay dalka Yemen ee ay caasimaddiisu tahay Sanca.

 

 

Dil-Dilaacii Ubixii Dhiigga Iyo Kacaankii Dhergiga

 

Buug Cusub Oo Ka Hadlaya Kacaankii Mingiste 1974-1991

 

 

I

nyar ka dib-na waxa lagu cashariyey rasaas, halkaas oo maydkooda la wadhay, waxaana lagu aasay hog weyn oo hore loo sii diyaariyey, laguna qoday cagaf-cagaf. Laakiin naxdintu way sii socotey, waxaana maalintii habeenkaa ka dambaysay la laayey oo qoorta laga guray 60 qof oo ay 52 ka mid ahi ahaayeen saraakiil sarsare oo ciidamada ah, waxaana ragaa ku jirey nin sarkaal ah oo uu boqorku awow u yahay, magaciisana la odhan jirey Lij Admiral Iskandar Dasta. Waxa kale oo ragga maalintaa dhegta dhiigga loo daray ka mid ahaa: Laba nin ra’iisal-wasaarayaal ka soo noqday dalka, saraakiil sarsare iyo qaar qaar saraakiil hoose oo ciidamada ah, waxa kale oo ka mid ahaa laba nin oo ka tirsanaa golaha DARG iyo weliba gudoomiyihii golaha DARG, Sareeye guuto (Letenal Genaral) Amane Maka’il Amdoman oo ay gurigiisa ku dileen askar gaar ah oo loo soo direy.

Sidee bay suurta gal u noqotay inuu dhaco dilkan foosha xumi

 

Taliye No:3  Anigalaftaydu waxaan jeclaa inaanu dhicin falka noocan oo kale ahi, laakiin dhibaatada jirtaa waxa weeye dadku waxay wax arkaan goor wixii la dhaafay iyo waqti lagu khasban yahay, iyaga oo aan fahamsanayn waxa ay keeni karto su’aashan oo kale iyo su’aalaha kale ee la midka ahi, dadkuna sidoodaba sheekada inta ugu hoosaysa ayey qaataan, isla markaaana iyaga oo aan waxba ogayn ayey fadeexad bixiyaan, taasina ma wanaagsana.

Taliye No: 9  Kuma ayuu ahaa ninka soo diyaariyey in lixdankaa qof la dilo, arintani ma waxay ahayd mid ay hore uga soo tashadeen golaha Dhergigu, mise waxay ahayd arin masuuliyad daro isaga dhacday iyo marba xaaladdu sida ay tahay oo aan laga fiirsan ?.  Su’aalahaasi waxay ahaayeen kuwa aan iswaydiin jirey tobankii sannadood ee la soo dhaafay, waxayna noqotay su’aalo aan jawaabo u waayey.

Intayadii badnayd ee ka tirsanayd golaha Dhergiga ka dib markii ay arintaasi dhacday ee laga yimi go’aankii foosha xumaa waxay noqotay inaanu is canaano, laakiin canaantaasi waxay maskaxdayada ku dhalisay murugo badan. Waan dareensanahay inaanu galay khalad aad u weyn, maadaama aanu ogolaanay in falka noocaas ah ee foosha xun la geysto.

Sababta ninka loo dilay miyaa cadayn buuxda loo hayey, maya ayey iswaydiiyeen ama dareensan yihiin saaxiibaday. Waxa laga yaabaa inuu falkan gacan ku leeyahay Mingistu.

Atnafu Abaate waxa uu ahaa nin aad u neceb dhul-goosiga markaa waxa laga yaabaa inuu Mingistu ogaan Atnafu adeegsaday inuu falkan gacan ku yeesho, laakiin maadaama aanan hubin waxba kama sheegi karo, waxaana laga yaabaa inaan ku qaldanahay malahaygan aan is leeyahay wuu adeegsan karaa. Hase yeeshee waxa, iyana suurta gal in ninka la yidhaahdo Dhajasmaaj Kabadhe Tasama uu Mingistu soo siiyey talo ah in nimankaa la khaarajiyo.

 

Dhawr maalmood ka hor ayey ahayd markii uu Mingistu shir ka hadlay oo uu yidhi “Bulshada iyo ciidamaduba waxay codsadeen in hore loo xukumo saraakiisha xidhan ee maxaynu ka yeelnaa nimankan, ma in jeelka uun lagu biiliyaa”, Laakiin waxa markaa arinta saraakiishaa gacanta ku hayey Professor: Mafin Walda Mariam oo ahaa gudoomiyaha guddi loo xil-saaray inay baadhaan arinta nimankaa iyo ninka kale ee la yidhaahdo DR. Barkata Habtasalaasa oo isuguna ahaa kuxigeenka gudoomiyaha guddigaa, sidaa darteed waxa maalintaa la yidhi labadaa nin ha yimaadeen oo haka warameen waxa hawshaa dib u dhigay. Dabadeed-na way yimaadeen, waxaana la waydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin “Waa maxay dhibaatada idin haysata ee aad hawshan u dedejin la’dihiin, dadkuna anaga ayey eedda na saarayaane”, laakiin waxa ay noogu jawaabeen “Sharciga dhan ee dawladdu leedahayba  waa warqad aad gacantiina ku haysataan, qorigiina waad haysataan, markaa inta aad na canaanaysaan ee aad leedihiin sidan iyo sidan ayaa jirta, hadii aad leedihiin waqti bay qaadanaysaa, anagu intaa wax aan ahayn kama odhan karno”.

 

Labadan nin sababta ay u lahaayeen sharcigu waa warqad gacantiina ku jirta, qorigana idinka ayaa haysta” waxay ahayd oo ay taa uga jeedeen dawladda bedela, sharcigana u hogaansama ayey lahaayeen, hadii kale oo aad u baahan tihiin in la soo dedejiyo xukunka sida ay idinla tahay ka yeela.

Maalintii la go’aamiyey in la laayo lixdankaa qof anigu waan ka soo habsaamay shirkii lagu go’aaminayey, laakiin sida uu qorshaha shirku ahaa qoddonkii koowaad ee lagagag hadli lahaa ma ahayn kaa (Dilka), sidaa darteed Jenaral Amane, isaga oo ay ka muuqato inaanu raali ka ahayn qoddobka la soo qadimay ee xukunka nimankaa ayuu hadalkiisa ku bilaabay “Hadda maxaynu yeelnaa”, laakiin anigu shirka waxaan imi, iyadoo mar hore la bilaabay, laakiin kuwii joogay ayaan wax waydiiyey.

Janaralku (Amane) waxa loo qaatay inuu wado qorshe ah inay ciidamadu ka soo horjeestaan golaha DARG, waxaana la helay telegaraam uu u diray laba xidigle ka shaqayn jirey isgaadhsiinta, laba xidiglahaas ayaana mar walba Dhergiga u soo duubi jirey wararka Jenaralka, waxaana halkaa laga dhegaystay, isaga oo caayaya niman ka tirsanaa golaha Dhergiga, isaga oo xiligaa telefoon kula hadlaya Col.Gisaw Balaanay, waxaana ereyadii uu ku lahaa ka mid ahaa “Waar markaan kaydka hubka ka bedelo maxay kale oo uu samayn karaa”. Waxaan u malaynayaa inuu Janarel Amane taa ula jeeday, mar ay Mingistu wada joogeen guutada 3aad ayaa Mingistu waxa uu haystay kaydka hubka ee guutada.

Amane waxa uu ahaa janaral geesi ah oo ay ciidamadu aad u jeclaayeen, isla markaana waxa uu ahaa ragga ugu caansan saraakiisha ciidamada, isaga oo dagaalkii 1963-kii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliya ku muujiyey geesinimadiisa.

 

Markii uu janaral Amane jeclaystay inuu iska wareejiyo gudoomiyenimada uu ka hayey golaha Dhergiga ayey isku dhaceen Mingistu. Janaral Amane kuma uu faraxsanayn sida uu Mingistu u dhaqmayo, iyaoo uu janaral Amane ahaa gudoomiyaha golaha Dhergiga, isla markaan Amane waxa uu janaral, halka uu Mingistu ahaa gaashaanle, laakiin waxa dhacday Mingistu, isaga oo aan ka fasax ka qaadan Amane ama ogaysiin inuu xaafadda GOOFA, halkaana waxa uu khudbad uga jeediyey ciidamadii, taasina waxay ku soo begantay waqti uu janaral Amane laftiisu doonayey inuu ciidamada la hadlo, balse Mingistu laftiisu waxa uu dareensanaa inuu awood u leeyahay waxa uu sameeyey, wuxuuna Herar ka keenay guuto dhan oo isaga si toos ah uga amar-qaadanaya, sababta loogu dhici waayeyna taas ayey ahayd. Waxaan odhan karaa waxa taa ka sii darayd arin ku saabsan Ereteriya oo laga hadlay, taas oo noqotay arintii ugu buuqa badnayd, waxaana la sheegay inuu Amane aaminsanaa fekrad ah inay Ereteriya hab federal ah kaga mid noqoto Itoobiya, sidaa awgeed fekradii ahayd in ciidamo kale loo diro furinta dagaalka ma ogolayn, laakiin Mingistu taa kuma faraxsanayn.

 

Amane waxa kale oo uu lahaa cadaw kale oo aan Dgergiga ahayn, waayo maadaama uu waqtiga cusub ee Dhergiga la qabsaday xukuumadda xaasidiin badan oo uu lahaa ayey calooshu ka gubtay, waxayna kuwaasi ka hawl galeen si ay colaadda dhexmartay Amane iyo Mingistu u sii balaadhato.

Arintu waxay socotaba janaral Amane waxa la dilay goor barqo ah, subaxaasina waxa uu ahaa subax uu ka cadhooday xafiiska ka dibna uu gurigiisa tegay, dabadeedna waxa gurigiisa ugu tegay niman ay ka mid yihiin: Mingistu, Taka Tulu iyo Tastafaaye Waldasalaase, waxayna doonayeen inay soo maslaxaan, iyaga oo is lahaa waad soo maslixi karaysaan oo wuu ku soo noqon doonaa xafiiskiisa…La soco cadadka dambe .  

 

 

Musuq-maasuqa Hargeysa Oo Hafiyay Maayorada Cusub

Dunidan aynu ku nool nahay dalksataaba wuxuu leeyahay distoor ilaaliya xaqa iyo xuquuqda sinaanta muwaadinka, sidaa darteed distoorka dalkeena waxa ku cad qodobkiisa 8aad xubintiisa labaad 2aad, in aan muwaadinka Somalilander ah lagu kala fadilin.

 

Sidii kale hadaynu u xusno dhacdadan lagu kala fadilay muwaadinka markuu ogolaaday in bacadaluhu dhisan karo geesta galbeed ee guriga xisbiga waxaa amar ka soo bixiyay in aanu waayi karin qof ka mid dadkaasi ku ganacsada dhulkiisa hadduu dhisan kari waayaba waa in dhulkiisa la siiyo si qanacsigu uga joogsan ama loogu dul iibsan, intaasi ka dib bacadluhu markuu deeqdii gudoomay wuxuu yeeshay shir ballaadhan waxaana lagu heshiiyay qodobadan.

1.       In bacadlaha dharlaha ah ee dhisan kara waaya loo dhisi doono ama dhul la siini doono,

2.       shiidlayda dumarka hangar loo dhisi doono.

3.       in hangaro, loo dhiso khudrada, hilibka, iyo caanaha maadaama bacadluhu ka maarmayn xagga suuqa.

4.       lacagta bacadlaha laga qaaday lagu dhiso guryaha danyarta dharka iyo hangaradaba.

Hase ahaatee, bacadlihii dharlaha ahaa, ee dhisan kari waayay waxba lama hayo dhulkoodiina waa lagu dul iibsaday. Xaaladda ay ku sugan yihiin waa mid xasaasiya oo caddaalad darro dulmiga lagu hayo waxba ay ka qaban kari waayeen hadday Maayarada tahay iyo madaxwehanahaba.

Inkastuu dardartii madaxweynaha iyo magacaabidii maayarada si wayn loogu farxay haddana maayaradu waxba kamay qaban. Inkastoo damiirkoodu kari waay in ay shuraako kula noqdeen musuqa xisbiga una fudadeeyaan waxay rabaan waxaase maayaradii sumcadoodii lumisay markay bedeli kari waayeen labadii wiil ee dawladda hoose wakiilka musuqmaasuqa u qaybsanaa, walina laga sugayo.

Sidoo kale madaxweynaha iyo M/wene ku xigeenka waxaan gaadhsiinay caddaalad darradii dhacday waxaana laga sugayay in wax ka qabto, inkastoo kuwii uu warbixinta ka sugayay ay si fahmeen wixii loo diray.

 

Taasina ay keentay in guddigii musuqmaasuqu ay ku dhiiradaan M/wene Ku xigeen in ay saxeex ka raadsadaan danyarta hangarada in ay mar sadexaad dadka ku ged martaan ama ka baadhaan Mudane M/weyne, odoyaasha laguu soo diro waa saddex mid nin guri la siiyay nin hanti loo balan qaaday iyo nin waraaqdunna haddaad soo qaado hanti ayaanu kaa siisanaynaa lagu yidhi “tabaha ay isticmaalaan waa reernimo iyo nin magaca wayn leh oo tixgalin kaa mudan in ay ku soo diraan waxaana weeye tabo caddaalad lagaga dhuumanayo.

 

Sidaa darteed in ay wax dhisaan ayaanu rabnaa laakiin sidee loo aamini karaa kuwa lunsaday lacag dhan 220,000$ qof danyara waxba ugu qaban, qasnada dawladdana gaadhsiin lacagtan, maamulka dawladda hoose hantida magacooda lagu lunsaday ee shicibka laga urursaday ma iyagaa raacay mise waxay dusha ku  qaadanayaan wixii guriga lagu qandaraasay?

Haddii wax qorshaysan la dhisayo diyaar baanu u nahay in maamulku dhiso laakiin guddiga lama aaminayo haddii la yidhaa waxbay dhisayaan waxaanu u aragnaa in gudigu musuqa lagula bahooday oo ay muquuniyeen maamulkii cusbaa.

Mowliid Axmed Jibriil Hargeysa

 

 

 

 

Ma Dhabaa Xukuumaddu Inay Ka Xog La’adahay Markabka Ku Soo Caaryay Xeebta Galbeed

Waxay bishii hore ka maqlay Radio-BBC markab ku qaraqmay badda cas (30) sodon shaqaalihii markabka ay badbaadiyeen Ciidamada jarmalka ee degen badda cas haddab waxaynu ognahay in aanay Xukuumaddu wax daba gal ah iyo wax dhaqdhaqaaqa toona ka samayn arrintaa markabkaas Wasiirka kaluumaysiguna wuxuu sheegay in uu dul tagay markabkaa khanankayna ay xidhan yihiin. Haddaba waxa run ah markabkii muu degin ee waxa laga daadgureeyay shaqaalihii Haddaba maxay Ciidamada jarmalka u badbaadiyeen waayeen markabka maxayse cidii lahayd u sheegan wayday. Ileen muu degine waxa muuqata in Jabuuti uun la soo dhaafiyay.

 

Waxana suura gal ah in uu sido qashinka sunta ah ee hadhaaga Nuclear-ka waxaana laga yaabaa inay xiligii siyaad barre lagu aasi jiray khatarta ay leedahayna waynu garanaynaa Haddaba siday xukuumadu uga aamustay laba waa mid inay ogyihiin markabka iyo wuxuu sido, iyo in wadanka laga soo raray oo waxa laga iibiyay Xabaasha oo waxay Xukuumaddu qaadatay intii xafaariinta.

Ta labaad sidaasaa ka dhaba Wasiirka kaluumaysiga ku warbixiyay ee ahayd magaranayno cid le iyo meel laga leeyahay toona calana malaha calaamadna malaha oo adhi bilaabay lama waydiiyo

Umadduna waxay isku maaweelinaysaa dawladda ayaa idinka ilaalinaysa khataraha dibadaha idinkaga imanaysa.

Waxan leeyahay hadday taasi jirto nin walowba halkaad joogto hog ka qodo.

Nuur Muhindis Guud Cadde Hargeysa.

 

 

Candela oo beeniyay inuu ka wareegayo As-Roma

Roma (Reuters) – Warar warbaahintu ay faafisay oo aha in bisha January ee sannadka soo socda marka ay furmaan suuqyadu, in Winger Vincent Candela uu ka wareegayo kooxda As-Roma oo uu u wareegayo Juventus ayuu beeniyay Candela.

Warkani wuxuu intaa ku daray in ciyaartoygan Faransiiska ah in lagu soo beddelanayo Edgar Davids oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus, kaas oo ay baadi-goobayso in uu ku soo biiro kooxda Roma bilowga xilli-ciyaareedkan, laakiin aanay ku guulaysan kooxda As Roma inuu ku soo biiro.

Candela wuxuu maalintii shalay kaga hadlay arrintaa jariidada ‘Corrierra Dello Sport’ oo ka hadasha arrimaha ciyaaraha, wuxuuna yidhi; “Arrintan waxba kama aan maqlin, cid ka socota Juventus-na maan arag. Markii ay is aragyada ciyaaruhu bilowdeen sannadkan waxaa ila soo dersay waxoogaa dhibaatooyin ah, laakiin hadda waxaan dareemayaa in ay xaaladaydu aad u wanaagsan tahay (100%). Waxaan u diyaar ahay in aan si weyn ula hawlgalo kooxda Roma.”

 

Kooxda Roma waxay ugu bilaabantay xaalad liidata xilli-ciyaareedkan bilowgiisii ee ciyaaraha heerka ‘Sarie A’ ee dalka Talyaaniga, kadib markii ay kooxda Blogna kaga badisay 2-1, ciyaartii ku xigtayna ay guul-darro badday kooxda Modena oo sannadkan u soo dallacday kooxaha heerka ‘Sarie A’ ee Talyaaniga.

Ciyaarihii ku xigay oo ay kooxda Roma ka guulaysatay Brescia oo ay 2-1 kaga badisay iyo 4-0 ay ku jiidhay Udinese ayaa soo celiyay niyaddii kooxda.

Tabobaraha kooxda Roma Fabio Capello oo ka hadlaya awooda ciyaareed ee Candela ayaa yidhi; “Waxba iskamay dhimin awoodii ciyaareed ee Candela, waanu muujin doonaa taa ciyaarta Sabtida ee aanu la yeelanayno kooxda Empoli.”

 

Isaga sii wata hadalladiisa waxa uu yidhi; “waa mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan ciyaartoyga ka ciyaara baalaha weerarka kubadda cagta ee dunida (Candela), wax dib u dhici kumuu iman kaalintiisa. Hadda wuxuu u ciyaaraa si ka wanaagsan sidiisii hore, dhibaatadiisu waxay ahayd sidii uu ula qabsan lahaa hab-ciyaareedka ee uu u soo bandhigi lahaa ciyaartiisa.”

 

Erikson oo ka fiirsanaya goolhayaha Ingiriiska

Sven Goran Eriksson, ayaa afarta bilood ee soo socda u fiirsan doona, indhahana ku hayn doona ciyaaraha uu safanayo goolhayaha David Seaman ee kooxda Arsenal, inta aanu u soo xulin cidda u noqonaysa gool-haye kooxda England.

Arrintani waxay ka timid natiijadii ugu xumayd ee ay la kulanto kooxda England oo koox kale kula ciyaartay Ingiriiska dhexdiisa, taas oo ahayd ciyaartii England ay la yeelatay Macedonia ee 1-1-ka ku dhammaatay, taas oo goolka laga dhaliyay Ingiriisku uu ahaa koone ay si toosa kubadda u gashay shabagga, laakiin Eriksson wuu diiday in uu si toosa u eedeeyo gool-wale Seaman. Waxaanu sheegay inuu u fiirsan doono ciyaaraha Seaman ee afarta bilood ee soo socda inta ka horraysa ciyaarta xigta ee ay yeelanayso kooxda England.

 

Bisha February ee soo socota ayay ciyaaro saaxiibtinimo kooxda England la yeelanaysaa kooxaha dalalka Denmark ama Australia. Eriksson oo arrintaa ka hadlayaa wuxuu yidhi; “Waxaanu haysanaa waqti ilaa afar bilood ah, intaa ka horaysa ciyaarta kale ee aanu ciyaarayno ciyaarta saaxiibtinimo ee February, waxaanu haysanaa waqti ku filan oo aanu ku baadi-goobno oo aanu ku eegno goolhayeyaasha.

Waxaanu eegi doonaa waxa ka soo baxa.”

Khaladka lagu eedaynayo goolhaye David Seaman wuxuu yimid daqiiqadii 11aad ee ciyaartii England iyo Macedonia, markii koone uu soo laaday Artim Sakiris uu si toosa intay kubaddu u dul-martay madaxa Seaman ay goolka gashay.

 

Kabtanka kooxda England, David Beckham oo ka hadlayay ciyaartan ayaa yidhi; “Lanagama badin ciyaarta, laakiin waxay ahayd mid ay ka soo baxday natiijo aanan filayn, waayo waxaa lagu ciyaarayay dalkayaga waxaananu helnay fursado yar oo keliya.”

Beckham wuxuu intaa ku daray; “uma malaynayo inaanu si xun u ciyaarnay, laakiin qaybtii dambe xooga maanu saarin inaanu hore u socono.”

 

Spain oo barbaro la noqotay praguay

Lograno – Spain (Reuters) – Kooxda xulka ee dalka Spain ayaan ku guulaysan in ay gool dhaliso ciyaartii ay la ciyaareen kooxda Paraguay.

Kooxda spain oo inta badan gacanta sare lahayd ciyaarta ayaan wax goola ka dhalin kooxda Paraguay oo xoog sarraysay dhinaca difaaca ciyaartaas oo ahayd ciyaar saaxiibtinimo oo dhacday Arbacadii.

Tabobaraha spain Inaki Saez ayaa ciyaarta soo safay ciyaartoy cusub, isaga oo nasiyay ciyaartoygiisii rasmiga ahayd, kuwaas oo u ciyaarayay si fir-fircoon oo xidhay dhexda ciyaarta, kantaroolkeedana ku gacan-sareeyay. Laakiin gooldhaliyihii Raul oo u fadhiyay dhaawac soo gaadhay awgii iyo saaxiibkiisa ay u wada ciyaaraan kooxda Real Madrid Fernando Morients ayaa u muuqday in gaabis uu noqday, sababtoo ahayd waxaa ka yaraa layliga ciyaaraha xilliyadan dambe.

Kooxda spain waxay awoodi weyday in ay dhammaystirto fursado badan oo ay heshay qaybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda spain waxay 3-0 kaga badisay sabtidii kooxda Irish-ka, waxaanay lix dhibcood ku hoggaaminaysaa iyo laba ciyaarood Group-ka lixaad ee isreeb-reebka koobka horyaalada Yurub.

Guruubka ay ku jirto spain waxay ahayd kooxda Ukraine ee dalka ugu adag ee la beretami karayay spain, laakiin Ukraine afar dhibncood oo qudha ayay haysataa 3 ciyaarood.