Haatuf News

 

Issue: 184________________________________ Axad,, October 20, 2002

 

 

 

Wefdi Somaliland Ah Oo U Ambabaxay Uganda

 

“Waxaanu La Kulmaynaa M/weyne Ku Xigeenka Uganda Oo Ah Haweenay, Waxaananu Ku Dhoofaynaa Baasboorka Somaliland” Marwo Edna Adem

 

H

argeysa (Haatuf): Wefdi ka kooban saddex iyo Toban xubnood oo ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda qoyska iyo horumarinta bulshada ee Somaliland Marwo Edna Aaden Ismaaciil ayaa shalay ka ambabaxay gegida diyaaradaha ee Hargeysa, iyagoo u kicitimay dalka Yugaandha.

 

Xubnaha wefdigaas oo dhamaantood ahaa haween waxaan qolka nasashada ee garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Hargeysa international Airport ugu warantay Wargeyska Haatuf ujeedada safarka wefdigaas, Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo hogaaminaysay wefdiga waxaanay tidhi “ujeedada safarku, waa safar isbarasho iyo waxbarasho labadaba isugu jira oo aanu ugu ambabaxayno dalka Yugaandha, haddii ilaahay yidhaahdo, safarkayagaasi wuxuu ka dhashay marti qaad iyo xidhiidhin aanu ka helnay oo ay suurta galisay hay’adda UNDP oo kharashka tigidhada bixinaysa, martiqaadkuna uu noqonayo dalka Yugaandha. Anaga oo la yeelan doona xidhiidh wada hadalo, aqoon isweydaarsi wixii wasaaraddo ah ee khuseeya danaha bulshada, wixii haweena ee Wasiiro ah, sida Madaxweyne Ku xigeenka Yugaandha oo ah haweenay, Wasiiro dhawr, Waxbarashada, caafimaadka, oo aanu xidhiidho la yeelanayno, ururada samafalka ah ee Yugaandha, ujeedada ugu weyni waxa weeyi haweenka Somaliland ee mutacalimiinta ah, waxaanu ka koobanahay (13) saddex iyo Toban haweena, laba qaybood ayay u badan yihiin Waxbarashada iyo caafimaadka markaa wixii aqoon aanu ka faa’iidaysan karo dalkaas Yugaandha ayay ujeedada ugu wayni tahay, waxaa xigi doona marka (1)aad laba iyo Toban haweena oo kale oo Somaliland ah oo marka aanu soo noqono na weydaaran doona, marka tirada haweenka guud ee haweenka Somaliland ee tagi doona Yugaandha waa (25) shan iyo labaatan, markaa (13) saddex iyo tobankii hore ayaanu nahay hadda” Marwo Edna Wasiirka qoyska iyo horumarinta bulshada ee Somaliland waxay intaa ku dartay in ay booqashada ay ku taagayaan Yugaandha ka bilaabmi doonto bishan October 20keeda ilaa 27ka October iyo in qaybta dambe ee wefdiga ka koobnaan doona 12ka xubnood oo ay hogaamin doonto qof kale oo ka socda Wasaaradda qoyska iyo horumarinta bulshada, ama meel kale.

 

Raxma Ibraahim cumar oo ka tirsan Wasaaradda warfaafinta ee Somaliland kana mid ahayd wefdiga u ambabaxay Yugaandha ayaa soo bandhigtay baasboorka ay safarka ku gelayso oo ahaa Somaliland Passport.

 

Kala Daadsannaantii Wasiirka Macdanta Iyo Doodii Mudanayaashu Kala Hor-tageen

 

H

arg (Haatuf): Fadhigii shalay ee golaha wakiilada Somaliland oo uu guddoominayay Md. Axmed Maxamed Qaybe oo ah guddoomiyaha golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa lagaga hadlay laba arrimood oo kala ah xeerka macdanta oo hore loogu soo gudbiyay Golaha Wakiilada oo uu shalay hor-yimid Golahaas wasiirka macdanta iyo Biyaha ee Somaliland Md. Maxamed Cabdi Faarax. Waxay goluhu ka sugayeen sida uu sheegay Siciid Cilmi Rooble oo ah guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Wakiiladu in ay soo sameeyaan qoraal kooban oo ka mid ah xeer ku qornaa buug oo uu diyaariyay wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Biixi. Hase yeeshee, wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo kulankaa la shir-yimid qoraal ku qoran gacanta oo uu u soo diyaarsaday si uu ugu akhriyo Mudanayaasha. Hase ahaatee, mudanayaashu waxay shalay diideen in ay dhegaystaan qoraal aanay nuquladiisii haysan, sidaas daraadeed ayuu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu ku wargeliyay in uu wasiirku soo diyaariyo nuqulo qoraalkan kooban ah oo loo qaybiyo mudanayaasha. Arrintaasna waxaa dib loogu dhigay ilaa inta ay wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu ka soo diyaarinayso qoraal koobaya sharciga macdanaha ee hore loogu gudbiyay Golahaas.

 

Mudane Siciid Cilmi oo ka hadlayay arrinta xeerka macdanta ee shalay uu golahaasi soo qaaday doodiisa ayaa yidhi; “Haddii uu wasiirku leeyahay waxaan sugaynay qoraal ka kooban sidaanu ku ballansanayn, haddii la hayana waxa weeyaan dee waa la akhriyi karaa, hadduu weli yahay kii hore oo aan waxba laga beddelina wasaaraddu dib ha iskula noqoto oo kii cusbaa ee ay yidhaahdeen waanu soo koobnay (summary) ha keenaan oo ha wasacaan.”

 

Qodobka labaad ee lagaga hadlay shalay fadhigii golaha Wakiiladu wuxuu ahaa xeer ku saabsan khayraadka Somaliland ee Ugaadha iyo Shimbiraha oo uu hore u ansixiyay Baarlamaanka Somaliland, laakiin ay wasaaradda xukuumadda Somaliland u qaabilsan arrimahaasi ay ka soo codsatay Golahaas ansixinta qodobo is-beddel ah oo lagu sameeyay xeerkii hore. Guddigii uu golahaasi u saaray arrintan ayaa shalay soo hordhigay mudanayaasha Baarlamaanka Somaliland in la ansixiyo sidii ay xukuumaddu u soo codsatay oo ahaan awood la siinayay wasiirka wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Degaanka ee Somaliland iyo Ugaadha sii dabar-go’aysa oo iyada uu madaxweynuhu midh iyo laba bixin karo. Hase yeeshee, waxaa arrintaa dood adag oo ku lid ah waddaninimana ka muuqato ku soo jeediyay mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada oo ka mid ah Md. Axmed Maxamed Qaybe oo ku hadlay magaca Mudane ka yimid degmada Buuhoodle oo aan ku hadlin magaca shir-guddoomiyaha golaha wakiilada, waxaanu yidhi; “Ma arkin adduunka dal wixiisa sidaa loo bixiyo oo la gurto, shimbirihiisa iyo ugaadhiisa, iyo wixii la mid ahba. Dawladdii hore ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa diyaaradda ayay buuxin jirtay, nooc kasta oo ugaadh ama xoolo aynu leenahay, Carabtaasaa la siin jiray, waxoogaa yar oo macaawimo ah ayay ina siin jireen, macaawinadii ay ina siiyeen iyo khayraadkeenii ay qaateen boqolkiiba boqol khayraadkeenii ay qaateen ayaa qaalisan, waxaan soo jeedinayaa in aan waxba laga bixin, shimbirahana aan la bixin.”

 

Mudane Axmed Maxamed Qaybe, wuxuu intaa ku daray inuu ku raacsan yahay soo jeedintii ay soo jeediyeen Mudane Yuusuf Nuur iyo Md. Maxamed Xuseen Siciid (Ina Food-yare), oo ahayd sida mudane Yuusuf Nuur oo yidhi; “Ugaadhii waddankeenu waa ay ka guurtay, way yaraatay, way dabar-go’day, haddii la yidhaa ugaadha nooc ka mid ah ha la bixiyo kii hore ee aynu ansixinay maalintii la baas-gareeyay rag badan oo aan ku jiraa waanu ka dayrinay, haddii ugaadhii la yidhaa waxbaa laga bixinayaa, waxaanu leenahay waa waddo halaq, way furmaysaa oo waa wado halaq, waa inaynu albaabkaa xidhnaa. Ugaadha naadirka ah ee waddanka joogta ee dhifta ah cid Ilaahay abuuray oo bixin karta oo dalka ka saari kartaa ma jirto, waa inaynu ku qornaa bahalka.”

Md. Maxamed Xuseen Siciid (Ina Food-yare) oo ka hadlaya arrinta xeerka khayraadka ugaadha iyo shimbiraha ayaa yidhi; “Dhibaatada ba’an ee ka jirta degaankeena waxaa jirta degaanka Somaliland maanta in ugaadhii ka dabar-go’day oo ay u baahan tahay in hawl adag la iska saaro. Qodobkaasi wuxuu ahaa madaxweynaha ayaa bixin kara laba. Ololaa lagu qaaday ugaadha, inay dabar-go’do ayay ku dhawaatay intii yarayd ee Somaliland joogtay, haddii maanta wasiirka ha bixiyo la yidhaa maantana wado kale ayay noqonaysaa, madaxweynuhuna awood ayuu ku leeyahay meeshii. Waxaan anigu leeyahay ha la adkeeyo ugaadhan inaan cidi bixin Karin ilaa wax ay iska beddelayaan tarankeeda, oo beero ku habboon loo samaynayo. Qodobkaa halaga saaro meesha ayaan leeyahay.”

 

Axmed Siilaanyo Oo Dawladaha Somaliland & Itoobiya Ugu Baaqay Wax Ka Qabashada Xadka Xidhan

 

H

argeysa (Haatud): Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dawladda Itoobiya ugu baaqay inay wax ka qabtaan dhibaatada ka dhalatay xuduudda xidhani, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay dhibaato saamayn ku yeelatay nolosha dadka labada dhinac, dhinaca kalena waxa uu Axmed-Siilaanyo u soo jeediyey dawladda Somaliland inay qaado talaabo ay arintaa wax kaga qabanayso, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay inay labada dawladood )Somaliland & Itoobiya) wada ka yeeshaan arintaa.

Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed-Siilaanyo waxa uu sidaa ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiska ururkiisa ee Hargeysa, isaga oo xusay dhibaatada ka dhalatay xuduudda la xidhay, isla markaana tilmaamay in wax laga qabto arintaa.

 

“Maan arag wax dhaqdhaqaaq ah oo wax lagaga qabanayo xuduudda xidhan, balse qaylada iyo sawaxanka ka dhashay dhibaatada haysata dadka ama ganacsatada waa mid aynu ka wada war qabno oo ina soo gaadhay”ayuu Axmed-Siilaanyo ka yidhi Shrikiisaa jaraa’id, laakiin Axmed isaga oo sharaxaya sababta keentay inuu baaqan soo jeediyo waxa uu taa ku tilmaamay inuu arkay dhibaatada ka dhalatay xuduudka la xidhay, wuxuuna mar kale yidhi “Markaa hadii aan ahay gudoomiyihii KULMIYE, aniga oo ku hadlaya magaca ururka waxaan jeclahay inaan baaq ama codsi u jeediyo dawladda aynu walaalaha nahay ee Itoobiya, taas oo ku saabsan sidii dhibaatada looga fududayn lahaa dadka rayidka ah, arintaana xal loogaga gaadhi lahaa si qabaw oo nidaam leh”, wuxuuna tilmamay in si arintaa xal loogu helo loo baahan yahay wada hadal ay arintaa ka yeeshaan labada dawladood (Somaliland & Itoobiya). Laakiin Axmed-Siilaanyo, isaga oo la hadlaya dawladda Somaliland, isla markaana farta ku fiiqaya sida uu arko in wax looga qaban karo arintaa, waxa uu yidhi “Dawladda Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa maadaama ay cidda qudha ee wada hadli kartaa ay tahay labada dawladood, dawladdu iyadaa ka masuul ah oo xil ka saaran yahay wax ka qabashada dhibaatada dadkeeda haysata, mana jiro wax hawl-gal ah oo arintaa ku saabsan, waxaanan la yaabanahay inaanay dawladda Somaliland wax talaabo ka qaadin arintaa, hadii wax ka dhaadhicin dadka ah tahay iyo hadii ay baaq tahayba, markaa waxaan labada dawladood-ba ku boorinayaa inay arintaa wada hadal ka yeeshaan, xalna ka gaadhaan”, wuxuuna intaa ku daray “Talaabada noocan oo kale ah ee xidhista xuduuddu waxay ku fiican tahay, iyadoo ay dadku digniin sii qabaan oo ay ka feejigan yihiin, hadiise xadka uun lagu xidho, iyadoo aan dadkii digniin la siin ay taasi keenayso dhibaato aad u weyn”.

 

Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed-Siilaanyo, markii uu hadalkaa kooban ee baaqa iyo talo soo jeedinta ah ku tiraabay ayey weriyayaashii shirka jaraa’id ka qayb galay su’aalo dhawr ah ka waydiiyeen arinta uu ka hadlay, waxaana ka mid ah su’aalaha la waydiiyey bal isagu (Axmed) inuu wax war ah ka hayo sababta xadka loo xidhay, wuxuuna ku jawaabay “Anigu inta aynu maqalay wax dhaafsiisan kama hayo, waxayna la xidhiidhaan wax ay dawladda Itoobiya xaq u leedahay oo ah inay cashuuro ka qaado wixii dalkeeda soo gelaya, waxayse ku qurux badnayd in maadaama aynu nahay laba dal oo saaxiib ah, oo jaar ah dadkooduna ay isu socdaan in xidhista xuduudka ay ka horayso wada hadal iyo daraasad, ayna noqoto wax la isla ogyahay si aanay dhibaato u soo gaadhin dadka labada dhinac (Somaliland & Itoobiya) ku nool).

 

Dhinaca kalena gudoomiyihii xafiiska ururka UCID ee xaafadda Maxamuud Haybe (Hargeysaa) iyo shan xubnood oo kale ayaa sheegay inay ka baxeen ururka UCID, kuna biireen ururka KULMIYE, waxayna xubnahani sidaa ka sheegeen shir-jaraa’id oo shalay ku qabteen xafiiska ururka KULMIYE ee magaalada Hargeysa, waxayna sababta ay ururka UCID uga baxeen ku macneeyeen inay hogaanka ururkaa kala kulmeen cadaalad daro. Hase yeeshee waxay beeniyeen warar sheegayey inay cidi u gacan haadisay iyo inay xataa jirto sabab kale oo ka duwan cadaalad darada ay tirsadeen oo ay uga baxeen ururka.

 

Arintani waxay laba maalmood ka dambaysay koox kale oo sheegtay inay ka jabeen ururka UCID oo ay hore uga tirsanaayeen, kuwaas oo uu horkacayey gudoomiyihii gobolka Hargeysa ee ururka UCID, Xasan Xaydh, waxay sidaa ku dhawaaqeen khamiistii toddobaadkii hore. Laakiin kooxdaasi may sheegin inay doonayaan inay urur kale ku biiraan iyo inkale.

 

Buuq ka dhashay Markab Geel Ka Soo Qaaday Mombasa Oo Berbera Taagan

B

erbera (Haatuf): Markab lagu magacaabo MU-MAFA oo sida kun (1000) neef oo Geel ah oo laga soo raray Mombassa – Kenya, ayaa soo joogsaday xeebta dekedda Berbera dabo-yaaqadii toddobaadkii hore, si uu ugu rogo qayb ka mid ah Geela uu sido Berbera, Geel kalena uga qaado Berbera.

Weriye C/raxmaan Xaaji Daahir (Casaan), oo warkan wargeyska Haatuf uga soo tebiyay magaalada Berbera, ayaa sheegay in geelan saaran markabka uu leeyahay ganacsade Carbeed oo la yidhaa Mukeerash oo hadda ku sugan Berbera, ayna wakiil ka tahay shirkadda Tabuuk Shipping oo fadhigeedu yahay magaalada Berbera.

 

Weriye C/raxmaan wuxuu intaa ku daray in qorshaha ninka Geelaa lihi uu ahaa in uu Berbera ku rogo qayb ka mid ah Geel dhumuc waaweyn oo uu ka soo rartay Mombassa, isaga oo Berberana ka raranayay qayb Geela Somaliland ah oo dhumuc ahaan ka jimidh yar-yar geela hadda saaran markabka.

Weriye C/raxmaan Xaaji Daahir, waxaa kale oo uu sheegay in wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Somaliland Yuusuf Cali Koore ay hore xukuumadad Somaliland ugu soo xil-saartay arrinkan oo uu maalintii Jimcihii wasiirku fuulay markabka oo taagan Badda, isaga iyo dhakhaatiir kale oo ka socota wasaaradda Xannaanada Xoolaha, kuwaas oo warku sheegay in ay baadhayaan caafimaadka Geela laga soo raray Kenya ee la doonayo in lagu rogo Berbera.

 

Warkani wuxuu intaa ku daray markii markabka geela siday ee MV-MAFA shalay subax lagu soo xidhay uu buuq ka dhashay, taas oo keentay xubno maamulka gobolka Saaxil oo uu hor-socdo Badhasaabka gobolkaasi Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadh-weyne) iyo wasiirka xannaanada xoolaha ee Somaliland ay arrintaa ka galaan shir aan weli natiijadiisa la soo shaac-saarin sida uu ku soo warramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil C/raxmaan X. Daahir (Casaan).

 

Dadka buuqa arrinta ka kiciyay waxay lahaayeen maxaa geelaa loo geyn waayay, halkii loo waday ee halkan loogu rogayaa. Booliska Berbera ayaa arrintan soo dhexgalay kahor intaa aanu maamulka gobolka Saaxil aanu iman goobta dekedda ee dareenka iyo buuqa ku saabsan geela laga soo raray Kenya ee Berbera lagu dejinayay.

 

 

Siyaasiga Cumar Carte Oo Daboolka Ka Qaaday Inuu Dadka Reer Somaliland Hadal U Jeedin Doono

H

arg (Haatuf):- Siyaasiga caanka ah ee Cumar Carte Qaalib ayaa la filayaa inuu maalinta Khamiista ee soo socota oo ku beegan 24 October 2002 khudbad baaxad leh u jeedin doono shacbiga reer Somaliland.

 

Sida uu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Md. Cumar Carte oo nasoo gaadhay waxa uu khudbaddan ka jeedin doonaa fagaaraha Khayriyadda ee Hargeysa maalinta Khamiista 8:00 subaxnimo, balse faah-faahin kamuu bixin dulucda khudbaddaasi, balse waxa uu ku tilmaamay in ay tahay mid baaxad leh.

Khudbaddani haddii ay u dhacdo sida la qorsheeyay waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee uu hadal jeediyo Cumar Carte oo aan juuq laga maqlin tan iyo markii uu dalka ku soo laabtay, dabo-yaaqadii bishii August. Isaga oo markaa ballan-qaaday inuu war buuxa bixin doono marka uu xaaladda hubsado, taas oo aad loo sugayay.

War-saxaafadeedkaas oo koobnaa wuxuu u qornaa sidan;

“Mudane Cumar Carte Qaalib, wuxuu caddaynayaa inuu shacbiga Somaliland u soo jeedin doono khudbad baaxad leh maalinta Khamiista ee ay bishu tahay October 24, 2002. saacaddu marka ay tahay 8:00 subaxnimo, haddii Allah idmo.”

 

 

 

 

 

Hay’adda SOS Oo Mudo 30 Sanadood Ah Maalgelilnaysa Dugsiga Hoyga Sheekh

“Wuxuu Yeelanayaa Heerka Waxbarasho Ee Dugsiyada Ugu Sareeya Bariga Africa”

C/laahi Maxamed Ashcari

H

arg (Haatuf): Wilhelm Huber oo ah madaxa hay’adda Daryeelka Dhalaanka ee SOS – KINDERDORF ayaa hawl shaqo ah u joogay Somaliland, gaar ahaan mid la xidhiidha dib-u-dhiska iyo maal-gelinta dugsiga sare ee Hoyga Sheekh (Boarding School) ee degmada Sheekh. Hawshaas waxaa qayb libaax leh ka qaatay C/laahi Maxamed (Ashcari) oo ah sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda SOS.

C/laahi (Ashcari) oo shalay uga warramayay wargeyska Haatuf qorshaha dib-u-furista dugsiga sare ee Sheekh oo leh hurdo iyo cunto ayaa waxaa ka mid ahaa warbixintiisa ereyadan; “Waxaanu halkan u nimid (Somaliland) aniga iyo ninka u sarreeya SOS Afrikada Bari iyo Afrikada Dhexe in aanu furno iskuulkii Sheekh. Weli lama qaadan ardaydii, laakiin hadda waxaa dhammaaday dhismihii iyo xulashadii macallimiintiisa.

Mr. Ashcari oo ka warramaya ku talogalka SOS ee dugsiga sare ee Sheekh ayaa yidhi; “Waxaanu ugu talogalnay inuu noqdo iskuulada dunida kuwooda ugu casrisan mid la mid ah oo carruurta ugu sarraysa fasalada siddeedaad ee waddanka oo dhan iskuul ay ku hirtaan.”

 

Ashcari oo ka hadlayay gobollada ay ka iman doonaan ardayda gelaysa iskuulka sare ee Sheekh waxaa hadalkiisii ka mid ahaa; “waanu ugu talogalnay ardayda lixda gobol ee waddanka oo dhan oo si siman loogu qaybiyo, qaadka iskuulku wuxuu ahaa 200 oo arday. Sidiisii ayuu ahaanayaa, iskuul hoy ah (boarding) ayuu ahaan, markaa ardayda gelaysaana waxay noqonaysaa arday lixda gobol ee Somaliland ka kooban tahay si siman loogu qaybiyo. Waxaa loo soo magacaabay maamule iskuul (Principal), waxaana farxad ii ah inaan sheego in uu dib u furistiisa ka soo qaybgeli doono ninkii aas-aasay oo ah Richard Baliton.

Isaga oo C/laahi Maxamed Ashcari ka hadlaya cidda ku hawlan hawlaha furitaanka dugsiga Sheekh wuxuu yidhi; “Anaga (SOS), iyo koox wasaaradda tacliinta ah ayaa isla wadna bal habkii iyo qaabkii ardayda loo geyn lahaa.

 

SOS waxay ballan-qaadaysaa muddo 30 sannadood ah in ay iskuulka gacanta ku hayso, kharashka bixiso, mid macallin mushahaaradiiya ha noqoto, buugaag ha noqoto, waxaana laga dhigayaa iskuul casriya oo la socda waqtiga iminka, iskuulada lagala heerka dhigayaa waa iskuulada ugu heerka sarreeya Afrikada Bari.

 

 

 

Ururka UDUB Oo Guluf Olole Ah Ku Ekeeyey Degaamada Gebilay

“Sahankii Waxaanu Ku Soo Helnay Inaanu Reerka U Rarno Dhinaca UDUB” Abiib Timacade

G

ebilay (Haatuf): Wefti balaadhan oo ururka UDUB ah, uuna horkacayo wasiirka waxbarashada oo ka mid ah golaha dhexe ee UDUB, Axmed Yuusuf Ducaale ayaa shalay socdaalo ku galaabixiyey magaalooyinka Tog-wajaale, Kalabaydh iyo Arabsiyo, waxayna dadka degaamadaa u jeediyeen khudbado ku wajahan ololaha doorashooyinka.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan waxa weftiga UDUB ee uu hogaaminayo Axmed Yuusuf Ducaale ka mid ah, xubno ay ka mid yihiin:Wasiir-kuxigeenka hawlaha guud, Cabdi Cawaale, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iyo xubno iyo siyaasiyiin madax banaan oo UDUB ah, waxa kale oo weftigaa ka mid ahaa hawl-wadeenada iyo xubno madax banaan oo ah UDUB-ta degmada Gebilay, iyadoo ay xubnaha weftigaasi badidoodu yihiin shakhsiyaad dhalasho ahaan ka soo jeeda degaanka Gebilay.

 

Sida ay tibaaxeen warar la xidhiidha socdaalka weftigaa waxa uu dhaqdhaqaaqa weftigan UDUB ee ka bilaabmay gogol-xaadh u yahay wefti kale oo culus oo UDUB ah oo lagu wado inay degmada Gebilay socdaal ku tagaan maalinta berito, waxayna dhaqdhaqaaqyadaasi ka mid yihiin olole siyaasadeed oo uu ururka UDUB hadda ugu tafaxaytay degmada Gebilay.

Weftigani shalay aroortii ayey socdaalkooda ka bilaabeen magaalada Gebilay, waxayna iyaga oo kolonyo baabuur ah wata afka saareen magaalada Tog-wajaale, halkaas oo ay dadweynaha magaaladaa kala hadleen meel fagaare ah. “Waxaanu salaan idiinka sidnaa madaxweynaha Somaliland, ahna gudoomiyaha UDUB, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweyne-kuxigeenka, ahna gudoomiye-xigeenka UDUB, Axmed Yuusuf Yaasiin”sidaa waxa yidhi, Axmed Yuusuf Ducaale oo la hadlaya dadka reer Wajaale, wuxuuna intaa ku daray “Anagu odhan mayno roob malab ah ayaanu idiin shubaynaa, laakiin waxaanu ballanqaadaynaa waxa aanu maanta dhisnay inaanu ilaalino oo aanu inaga baabi’in iyo inaanu waxa dhiman dhamaystirno”.

 

Mudane Xuseen Cabdi Caamir oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa maanta kow inoo ah dagaal culus oo ah saddex doorasho oo waaweyni, urur walibana wixii uu ummadda u qabtay ayuu wax ku helayaa, anagu qolo kuma dhaadanayno ee waxaanu nahay qaran Somaliland ah, isla markaana hadii aanu nahay madax reer Gebilay, kuma kala qaybsanin siyaasadda maanta taagan”. Laakiin mudane Caamir wuu sii wadey hadalka, wuxuuna isku duubnidooda tusaale u soo qaatay Abiib Diiriye (tima cad) oo hore uga tirsanaan jirey mucaaradka, laakiin hadda ka mid ah ururka UDUB. “Afka dhalasho lagu sheegayaa haysku dhigo, anagu waxaaanu nahay qoomiyad isku duuban” ayuu yidhi mudane Caamir.

Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo weftigaa ka mid ahaa ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaan hore uga mid ahaa ururkii SAHAN, waxaanuna sahaminaynay halka aanu reerka u rarayno ee barwaaqo ah, markaa waxaan UDUB ahayn waanu soo waynay, sidaa darteed halka aanu reerka u raraynaa waa UDUB, reer Wajaalena UDUB weeye, sida Xuseen sheegayna gacmaha ayaanu is haysanaa”.

 

Xuseen Nuur Bakaal oo ah gudoomiyaha UDUB ee Gebilay ayaa isna halkaa ka hadlay, waxayna weftigaasi dadka magaalooyinkaa ku dhaqan ku war geliyeen inay berito ku soo fool leeyihiin wefti balaadhan oo ururka UDUB ahi, sidaa darteed ay soo dhowayntooda u diyaar garoobaan, iyadoo ay wetigaasi magaalo kasta ku soo wareegeen iyaga oo raxan baabuur ah wata, baabuurtaasna qaar ka mid ah waxa ku rakibnaa makaroofoono.

                               

 

Wefti Ka Socda UDUB

S

allaxley (Haatuf): Wefti ka socda ururka UDUB oo uu hoggaaminayo xoghayaha abaabulka iyo wacyi-gelinta Ismaaciil Mire oo ay weheliyaan guddoomiyaha UDUB ee gobolka Hargeysa, Xuseen Cali Xirsi, xoghayaha gobolka Khadar Daahir iyo Guddoomiyaha garabka haweenka ee UDUB Xusni Maxamed Warsame, ayaa maalintii shalay booqday degmada Sallaxley oo ka tirsan gobolka Hargeysa.

Weftiga oo ujeedada booqashadoodu ay la xidhiidho booqashadii ay hore ugu soo mareen degmooyin ay ka mid yihiin Cadaadlay, Saba-wanaag, Balli-gubadle iyo degaamada hoos yimaada, taas oo la xidhiidha ololaha ururkaasi ee doorashooyinka soo socda.

 

Weftiga oo ku sii hakaday tuulooyinka Toon iyo Qool-caday oo ay la hadleen dadweynaha ku nool markii ay gaadheen Sallaxley waxa si weyn u soo dhoweeyay dadweynaha degmadaasi oo ay khudbado u jeediyeen. Ismaaciil Mire iyo Xuseen Cali Xirsi oo la hadlayay dadweynaha Sallaxley, ayaa uga warramay barnaamijka ururka UDUB iyo u diyaar-garowga doorashooyinka dhowaan lagu wado in ay dalka ka dhacaan, iyaga oo ugu baaqay dadweynaha Sallaxley inay codkooda siiyaan UDUB. Waxa kale oo hadallo halkaa ka soo jeediyay duqay ka tirsan Sallaxley.

 

Weftigu xalay fiidkii ayay ku soo laabteen Hargeysa.

 

 

Guddiga doorashada gobolka Awdal

B

oorame (Haatuf): Guddiga heer gobol ee Awdal ayaa shalay kulankoodii u horeeyey la yeeshay guddiyada doorashooyinka degmooyinka gobolka Awdal, waxaana kulankaa lagaga wada hadlay sida loo maamulayo doorashooyinka dawladaha hoose ee la filayo inay dalka ka dhacaan badhtamaha bisha Diisambar ee foodda inagu soo haysa.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar waxa uu kulankaasi ka dhacay xafiiska badhasaabka Boorame, waxayna xubnaha guddiga doorashooyinka gobolka Awdal uga warameen guddiyada doorashooyinka degmooyinka halka ay hawshoodu marayso mudadii yarayd ee ay magacownaayeen iyo sida loogu diyaar garoobaya hawlaha doorashada.

Xubnaha guddiga doorashada gobolka Awdal oo ay guddiga doorashooyinku magacaabeen tobaneeyo casho ka hor waxay tiradoodu tahay saddex xubnood, waxayna magacyadoodu kala yihiin: Sacad C/raxman, Quman C/laahi iyo Maxamed Rooble Xoosh, waxay sheegeen inay fureen xafiiska guddiga doorashada gobolka, ayna ku gudo jiraan qalabayntiisa, iyadoo ay guddiyada degmooyinka ee shirkaa ka qayb galay ka kala socdeen Degmooyinka, Boorame, Saylac, Baki iyo Lug-haya. 

 

Dhinaca kalena aqoon iswaydaarsi ku saabsan daryeelka iyo daawaynta xoolaha ayaa shalay lagu soo gebagebeeyey xafiiska NGO-ga wadaniga ah ee ADO ku leeyahay Boorame. Aqoon iswaydaarsigaa oo socdey muddo shan maalmood ah waxa ka qayb galay ilaa 12 qof oo kala socday xoola-dhaqatada degaamada gobolada Awdal iyo Hargeysa, waxayna ka qayb galayaashu aqoon iswaydaarsigaa ku baranayeen waxyaalo ay ka mid yihiin: Daawaynta tayada leh ee xoolaha, qaabka ugu wanaagsan ee isticmaalka daawada iyo noocyada cudurada kala duwan ee ku dhaca xoolaha dalka.

Xasan Xuseen oo ka mid ah hawl-wadeenada ADO ayaa sheegay inay xubnaha aqoon iswaydaarsigan ka qayb qaatay ay hore u soo qaateen tababaro si is daba joog ah u socday muddo hal sanno ah, waxaana barnaamijkaaa fulintiisa iska kaashaday NGO-ga ADO, hay’adda samafalka caalamiga ah ee IRC iyo wasaaradda beeraha.

 

Qaybta Libaax Ee Waxbarashada  Dad-Ban Iyo Korodhka Dugsiyada Gaarka Ah.

H

argeysa (Haatuf): Iyadoo ay guud ahaan waxbarashada dad-bani qayb libaax kaga jirto geedi socodka waxbarasho ee Somaliland ayey hadana isa soo tarayaan Dugsiyada Madaxa banaan ee gaarka loo maamulaa, taas oo laga yaabo inay ugu yaraan sannadkiiba soo kordhaan ugu yaraan hal dugsi ama ka badan oo ka mid aha kuwa gaarka ah.

 

Dugsiga Hargeysa International School waxa uu ka mid yahay Dugsiyada cusub ee bilihii u dambeeyey ku soo kordhay magaalada Hargeysa, wuxuuna hada furnaa muddo aan ka badnayn ilaa laba bilood, waxaana iska diiwaan gelisay ilaa 130 arday oo uu heerkooda waxbarasho u dhexeeyo fasalka 8aad ee dugsiga dhexe ilaa fasalka 3aad ee dugsiga sare. “Waxaanu dhignaa maadooyinka sayniska, xisaabta, luuqadaha Ingiriisida, Carabiga, faransiiska iyo diinta, isla markaana Carabiga iyo diinta mooyaane inta kale waxa maadooyinka lagu dhigaa English”sidaa waxa yidhi maamulaha dugsigaa Maxamed Cumar Carte, wuxuuna intaa ku daray inay dugsigaa wax ka dhigaan macalimiin uu heerkooda aqooneed sareeyo, isla markaana waxa ay hawl-maalmeedda waxbarasho ee dugsigaasi soconaysaa laga soo bilaabo 8:00 subaxnimo ilaa 3:300 galabnimo.

Ilaa shan fasal oo dugsigaa ka mid ah ayaa hadda diyaar ah, laakiin maamulaha dugsigaasi waxa uu sheegay inay mustaqbalka ku talo jiraan inay sii balaadhiyaan dugsigaa, waxaana ardayda dugsigaa ku biirta laga qaadaa lacag Fii ah 30 dolar ah, taas oo uu maaulku sheegay inay ku baxdo adeegga ardayda iyo hawlaha dugsigalka.

 

“Anagu mudnaanta ma siinayno fiiga yar ee ardayda laga qaado, laakiin waxaanu awoodda saaraynaa ilaalinta ardayga, hadii ay tahay aqoontiisa iyo hadii ay tahay akhlaaqdiisa, taasna waxaanu doonaynaa inay waalidku qaybtooda libaax ka qaataan”sidaa waxa yidhi mid ka mid ah macalimiinta dugsigaa oo tafsiir ka bixinayaa hanaanka iyo siyaasadda waxbarasho ee dugsigooda.

 

 

Qarax Ka Dhacay Caasimadda Ruushka

 

M

oscow (W.Wararka) – Dhawr qof ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen markii uu shalay qarax ka dhacay goob ay dadku aad ugu badan yihiin oo ku taala dhinaca Koonfur-galbeed ee caasimadda Ruushka ee Moscow.

Goobtan oo la sheegay in ay tahay maqaaxi wax laga cuno waxa uu qaraxu ku soo beegmay waqti xilli-qade ah oo ay dad badani ku cuntaynayeen halkaasi. Dadka wax ku noqdayna waxa la sheegay in ay ku jiraan toddoba carruur ah oo shan-jiro ah.

 

Sida ay sheegeen warar ka soo baxay baadhitaanada ugu horreeyay ee lagu sameeyay qaraxan , waxa keenay qalabka qarxa oo la dhex-dhigay baabuur goobta taagnaa, halkaas oo uu khasaare ballaadhani ku gaadhay dhismihii maqaaxida, iyada oo uu baabuurkiina burburay.

Ciidamada Booliska oo bilaabay baadhitaan qaraxan ku saabsan ayaa ku tilmaamay inuu noqon karayo fal argagixiso, iyaga oo ka gaabsaday cidda loo malaynayo inay ka dambaysay iyo waxa looga jeedayba. Balse waxa socda baadhitaan ballaadhan oo lagu ogaanayo ciddii dhab ahaan ka dambaysay qaraxan.

 

 

Shir-Madaxeedka Dalalka Francophone

B

ayruut (W.Wararka) – Shir-madaxeed ay ku kulmeen dalalka xubnaha ka ah ururka dalalka ku hadla afka Faransiiska ee Franco Phone ayaa ka socda caasimadda dalka Lubnaan ee Bayruut.

Shirkan oo furmay maalintii Jimcihii waxa ku kulmay madax ka kala socota 55 dal oo xubno ka ah ururka Franco Phone.

Shirkan oo lagu wado in maanta la soo gebo-gebeeyo arrimaha lagaga hadlay waxa ka mid ah xaaladda Bariga Dhexe, gaar ahaan mushkiladda u dhaxaysa Isra’il iyo Falastiin, xaalada dalka Ciraaq, dagaalada ka oogan dalka Ivory Coast, la dagaanka argagixisada, horumarinta dalalka xubnaha ka ah ururka Franco Phone iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha Faransiiska Chac Chirac oo shirkan furay ayaa ka digay weerar lagu qaado dalka Ciraaq iyo in xoog loo adeegsado isaga oo ku baaqay in dhammaan muranada ka taagan caalamka lagu dhammeeyo wadahadal.

 

Madaxdii kale ee iyaguna ka hadlay shirkaasi ayaa dhammaantood xooga saaray xaaladda dalka Ciraaq.

Shirkan oo ay dalalka Franco Phone ku kulmaan saddexdii sanoba mar, waxa uu qorshuhu ahaa in la qabto sannadkii hore, balse waxa dib loo dhigay markii ay qaraxyadu ka dhaceen dalka Maraykanka 11-kii September 2001.

 

Golaha Ammaanka Oo Isku Khilaafsan Qaraar Laga Qaato Ciraaq

N

ew York (W.Wararka) – Shir ay ku kulmeen dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayuu dib u dhac ku yimid markii ay isku khilaafeen qaraar cusub oo laga qaato Ciraaq, taas oo dib u dhigDtay sidii go’aan ay iskula gaadhi lahaayeen, gaar ahaana waxa uu khilaafkani u dhaxeeyaa dalalka Maraykanka iyo Faransiiska oo isku mari waayay waxa laga yeelayo Ciraaq.

Khilaafkani waxa uu cirka isku shareeray markii uu Faransiisku gaashaanka ku dhuftay qoraal ku baaqaya in xoog loo adeegsado Ciraaq haddii loo baahdo oo ay Ciraaq fulin weydo waxyaabaha laga doonayo, kaas oo uu Maraykanku soo hordhigay Golaha Ammaanka, isaga oo taageero u doonaya, taas oo aanu ku guulaysan.

Dawladda Maraykanka oo ku taamaysa weerar lagu qaado Ciraaq, iyada oo u aragta in ay meel kaga dhacayso qaraarada Q. Midoobay ayaa taageeradii ay u baahnayd ka weyday golaha Ammaanka, taas oo u fasaxi lahayd tallaabo miletari oo laga qaado Ciraaq.

 

Faransiiska oo hoggaaminaya dalalka diidan codsiga Maraykanka ayaa u aragta in xoog loo adeegsado Ciraaq ay meel ka dhac ku tahay qawaaniinta caalamiga ah.

 

 

Maqaamkii Sh. Muuse Ee Beesha Gabooyaha Oo Lagu Dhistay Qori Caaradii

Haddii aanu nahayculimaa’udiinka, aqoonyahanada, cuqaasha siyaasiyiinta iyo dhammaan waxgaradka beesha gabooye waxaanu qaylo dhaan iyo cabasho beeleed oo xasaasiya aanu u soo jeedinaynaa xukuumada iyo golayaasha Qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland.

Waxa jirta oo dhacday in maqaamkii beesha ee ku yaalay xaafadda gacan libaax oo ah meel aanu ku siyaarano sheekhii aanu ka soo tafiiranay in maalintii ay taariikhdu ahayd 18/10/02 in qori caaradii iyo xoog lagu dhistay dhulkii maqaamka oo aanu u qoondaynay in masaajid iyo malcaamad laga dhiso iyadoo dhul boobkaa uu hogaaminayay caaqil nuux Ibraahim Xasan oo ah cuqaasha ka diiwaan gashan Wasaaradda arrimaha gudaha.

 

Markii uu keenay caaqilka 16/10/02 jiingado iyo qoryo si uu uga dhiso dhulka maqaamka waxaanu u dacwoonay Gudoomiyaha degmada gacan libaax iyo Taliyaha rugta booliska Gudoomiyaha degmadu waxa uu amar ku siiyay caaqilka dhul boobka wada in uu ka rarto alaabta sandaqada lana siin doono dhul aan cidi lahayn waxaanu Gudoomiyaha degmada uga mahad naqaynaa sida caddaalada iyo wadaniyadu ku dheehantahay ee uu u xaliyo dacwadaha beesha intii uu joogayna ay yaraadeen dhulboobkii lagu hayay dadka gabooyaha.

Sidaa daraadeed caaqilku wuxuu iska indha tiray amarkii Gudoomiyaha degmada iyo booliskaba waxaanu si xoogah iyo qori caaradii uga dhisay dhulkii maqaamka sandaqad.

 

Waxaanu xusaynaa inaanu hore cabashada maqaamka aanu ugu muujinay saxaafada madaxabanaan taariikhdu markay ahayd 8/3/02 haatuf iyo 10/3/02 Jamhuuriya.

Sidaa daraadeed waxaa ayaan darro noqotay in ay Xukuumaddu cabashadayadii hore waxba aanay ka qaban oo dhiilkii cabashada ee beesha uu buuxsamay iyo tabashada beesha oon cidi waxba ka qaban oo aanay dhagaysan waxaanu soo jeedinaynaa haddii aanu nahay masuuliyiinta beesha in laga qaado talaabo sharciga waafaqsan caaqilka iyo cidii xooga wax kula dhistay.

 

Haddii cabashadayadani ay noqoto cabashooyinkii hore ee aan cidi dhagaysan jirin oo kale waxaanu cabashadayada ku muujin doonaa mudaaharaad salmiya sida uu dhigayo dastuurka Somaliland anagoo si sharciya u waydiisanayna Wasaaradda arrimaha gudaha in aanu tabashadayada ku muujino mudaaharaad salmiya (nabad) tabashadan oo ah tan maqaamka xooga lagu dhistay iyo tabashooyin kale oo beeshu tabanayso oo farabadan.

Gudoomiyaha beesha Xasan Sh. Maxamed aw cali

Caaqil Ibraahim khaliil salaan

Maxamed libaax shide

Dool mowliid xuseen

Maxamed axmed Aadan, Hargeysa

 

 

 

 

 

“Waxaanu Nahay Garab Saddexaad Oo Ururka SAHAN Ah”

“Aniga oo xubin ka ah golaha dhexe ee ururka SAHAN, waxaan qoraalkan ugu sheegayaa dhammaan cidaha ay khusayso in cabashadii labada garab ee hore isu hayey ee ururka SAHAN uu garab saddexaad ka dhex-dilaacay garabka uu hogaamiyaha u yahay Dr. Gaboose, taas oo la isku maandhaafsan yanay qaab dhismeedka ururku sida uu noqon doono iyo goorta uu ku dhawaaqi doono hogaamiyihii loo doortay garabkaa.

 

Tan iyo markii aanu shirweynaha ku qabanay huteelka Bile 24-kii Ogost 2002, waxaanu isku haynay sidii caadadu ahayd in golayaasha ururka la dhiso, nasiib daro taasi way dhici wayday sababo la qarinayo awgeed, wuxuuna hogaamiyuhu 2/10/2002, daboolka ka qaaday 7 xubnood oo ka mid ah garabkii ururkii islaamiga ahaa kula jirey, kuwaas oo ah inay noqdaan guddiga fulinta si qarsoodi ahna u soo xulaan xubnaha golaha dhexe iyo in si qarsoodi ah loo ansixiyo musharaxiinta golayaasha dawladaha hoose si aan loogu doodin, waxaana noo muuqatay inay jiraan dad wax gaar ah isku ogi oo ku dhex-dhuumanaya ururka, waana halkii khilaafkii hore ka bilaabmay, sidaa darteed markii aanu aragnay ama dareenay waxyaabo khiyaamo dabada ku haya, waxaanu garraanay inaanu ku dhawaaqno garab saddexaad , laakiin inta aanu soo dhisayno maamulka garabkayaga lala socdo xaaladda ururka, waxaana hayadaha ay arintani khusayso ka codsanaynaa inay noo aqoonsadaan garab saddexaad, isla markaana naloo furo garsoor saddex geesood ah si loo ogaado nuxurka khilaafka iyo salaaddu ka xidhmi la’dahay, garabkayaguna diyaar baanu u nahay inaanu ka soo qayb galo wada hadalka”.sidaa waxa qoraal ku yidhi:

Axmed Kayse Cabdi, oo sheegtay inuu yahay af-hayeenka garabka 3aad.

 

 

“Waanu ka noqonay soo jeedintii hore, waxaanuna go’aansanay inaan distoorka la furin”

H

argeysa (Haatuf): Mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay ka noqdeen soo jeedin hore oo ahayd in wax ka bedel iyo kaabid lagu sameeyo distoorka, taas darteedna ay hadda ku adkaysanayaan inaan la taaban distoorka, mudanayaashaasina waxay sidaa ku sheegeen qoraal ay saxaafadda ugu talo galeen oo ay na soo gaadhsiiyeen.

 

Mudanayaashaa oo ay tiradoodu tahay 5 xubnood waxay magacyadoodu kala yihiin: Maxamed Aadan Gabaloos, Cabdi Daahir Camuud, Maxamed Muuse Abees, Faysal Axmed Maxamed iyo Aare Nuur Cismaan, waxayna sababta ay mawqifkan cusub u qaateen ku tilmaameen ka dib markii ay ogaadeen in hadii la gudo galo wax ka bedelka distoorka aanu ku koobnaanayn qoddob keliya sida marka hore loo soo dhigay.

 

Mudanayaashaasi waxay qoraalkooda ku bilaabeen: “Anaga  oo ah mudanayaasha soo jeediyey in wax ka bedel iyo kaabid lagu sameeyo distoorka, waxaanu cadaynaynaa inaanu ka noqonay soo jeedintaa hore, sababta oo ah , ka dib markii ay xubno ka tirsan golaha wakiiladu u turjumeen inay taasi tahay mu’aamarad loola jeedo xukuumadda, laakiin waxaanu cadaynaynaa inay ujeedada soo jeedintayadu ahayd in muddo-kordhinta Guurtida qiil loo helo, isla markaana ay guurtidu ka baxdo muh-malka uu ugu jiro distoorku, lagalana mid dhigo qoddobada muddo-kordhinta ee madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa iyo golaha wakiilada, haseyeeshee siyaalo kale ayaa loo turjumay. Sidaa darteed markii aanu ogaanay in hadii la furo distoorka aanu qoddob qudha ku koobnaanayn, isla markaana aynu gelayno doorashadii dawladaha hoose, waxaanu go’aansanay inaan la furin distoorka, waanuna ka noqonay saxeexii aanu saxeexnay soo jeedintaa ku saabsan wax ka bedelka iyo kaabidda distoorka”. 

 

Macdanta iyo Batroolka Waxaynu Leenahay Wasiir Iyo Wasaarad

Marka la eego sida uu xurmeeyay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin arrintii ay la socdeen shirkada caalamiga ah ee batrool soo saarta ee dalka timid waxay ahayd si dadku aad ugu farxeen waayo waxa loo saaray guddi Golaha Wasiiradda ka tirsan oo uu gudoomiye ka yahay Wasiirka macdanta iyo biyaha oo waxay taasi ku tusaysaa taxadirka ay dawladda Somaliland ka samaysay iyadoo marka horeba ay Wasaaradda macdanta iyo biyuhu gacanta ugu haysatay dhammaan macluumaadyadii iyo daraasadihii lagu sameeyay dalkeena, oo dhamaystiran hadday tahay batroolka iyo meelaha uu ku jiro dhuxul dhagaxda iyo dhammaan macdanaha kaleba. Way ugu filan yihiin mujtamaca reer Somaliland kalsooni madaxweynaha iyo saddexda wasiir ee wadanka u dhaarsan haddii ay wax dhaliil ahi jirtana iyaga ayaa ogaan lahaa ama cidii ogi ku soo addressgarayn lahayd. Hadaba arrintani oo ay dadweynuhu aad u rajaynayaan ayaa waxaa la sheegay inuu war aan la hubin oo feedho jeexayn ah la dhex cararay Wasiirka ka tirsan Golaha Wasiiradda oo isla shaqadiisa u madaxbanaan oo aan cidi ku farogalin.

 

Haddaba waxaan madaxweynaha, Wasiirka macdanta iyo biyaha, iyo guddiga kale ee Golaha Wasiiradda ka tirsan ee ummadooda u gaadhay go’aanka heshiiskan leeyahaya xaqbaad u leedihiin saxna waad ku ahaydeen umadda reer Somaliland waxan leeyahay kalsooni way inoogu filanyihiin masuuliyiinta Qaranka ee ay sida tooska ah arrintani u soo martay ee yaynaan rumaysanin wasiir kali ah oo aynaan u idmanin shaqadiisuna aanay ahayn wixii war ah ee dambena waxaynu u leenahay wasiir isagaana mujtamaca si official ah ula socodsiin doona hadba halka ay marayso arrintu.

Mowliid Muuse Ibraahim Gebilay

 

Tartan aqooneed uu qabanqaabiyay Mac-hadka Iqra

H

argeysa (Haatuf): Mac-hadka Iqra oo ka mid ah Dugsiyada gaar ah ee magaalada Hargeysa ayaa maalintii arbacadii todobaadkii hore qabanqaabiyay tartan aqooneed dhex maray ardayda wax ka barata dugsigaasi.

Tartan aqooneedkan oo loogu diyaargaroobayay sanadguurada saddexaad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay dugsigaasi.

 

Ardaydu waxay ku tartameen duruusta bartaan iyagoo isdhaafsaday macluumaad kala duwan isla markaasna kooxdii badisa ayaa waxa la siinayay koob loogu talo galay in lagu dhiiri galiyo ardayda.

Hadal kooban oo uu jeediyay maamulaha mac-hadkaasi C/Raxmaan Xasan Khaliil ayuu kaga waramay marxaladihii uu dugsigaasi soo maray iyo halka uu maanta marayo isaga oo kula dardaarmay ardayda inay dedaalaan oo ay sii laban laabaan waxbarashadooda

 

 

Dil-Dilaacii Ubixii Dhiigga Iyo Kacaankii Dhergiga

Buug Cusub Oo Ka Hadlaya Kacaankii Mingiste 1974-1991

 

 

 

A

maane ma ahayn diblomaasi ama siyaasi, laakiin waxa uu ahaa askari calool-adag, sidaa darteed nimankii u yimi oo kala ahaa: Mingistu, Taka Tulu iyo Tastaafaye Waldasalaase, wuu diiday, wuxuuna ku yidhi “Wayid” oo ah kelmed Af-tigree ah, macneheeduna yahay “Taga”. Markaa ka dibna waxa shir isugu yimi dhammaan xubnaha Dhergiga, laakiin shirkan ka hor waxa jirey shir kale oo hore loo sii qorsheeyey oo uu kani ka soo hor-maray, xubno Dhergiga ka mid ah ayaana gobolada ka yimi oo goob-joog ka ahaa shirka, waxayna xubnahaa tiradoodu ahayd ilaa 200 oo qof, balse anigu sidii aan horeba u sheegay shirku wuu iga hor bilaabmay , waan xusuustaa tirada ka soo qayb-galayaashu, iyadoo 54 xubnood maraysa ayaan soo gaadhay, laakiin markii aan shirka fadhiistay niman agtayda fadhiyey oo masuuliyiin ciidamada cirka ah ayaan wax waydiiyey, waxaana ogaaday inuu Mingistu oo ahaa shir-gudoonka shirka uu yidhi “Jenaral Amaane waa in sida ugu dhakhsaha badan loo soo qabto, halkan la keeno hadii uu isku dayo inuu diidana waa in halkiisa lagu khaarajiyaa”. Amarkaasna waxa la faray oo loo diray Kornayl Daani’el iyo gaashaanle getaashaw Shibaashi, wayna ku khasbanaayeen inay amarkaa fuliyaan, sidaa ayuu ku dhintay janaral Amane. Hase yeeshee, waxay iswaydiintu tahay saraakiishii kale ee Xayle Salaae sidee dilkooda loo xukumay ama loo fuliyey?.

 

Saraakiishaa nin walba magaciisa iyo denbiga uu geystay ayaa shirka loo soo bandhigaa, ka dibna waxa loo qaadaa cod, iyadoo mid-ba mar la leeyahay ma la dilaa, mise waa la saamaxaa, waana la qorayey tirada codadka ee mar walba la qaaday.

Dhawr maalmood markii laga soo wareegay maalintaa codadka loo qaadayey saraakiishii Xayle Salaase ayey akhriyey magacyadii nimankaa iyo sidii codadka loogu kala qaaday, waxaan xusuustaa nin la yidhaahdo Tisaas Akliilu oo agaasime, ahaa, ninkaas waxa magaciisa ku hor qornaa 95 cod, laakiin waxaan kala saari kari-waayey inay tiradu ahayd 95 qof iyo inay ahayd boqolkiiba 95 cod.

 

Jenaral No: 1: Waxaan maqlay sheeko la leeyahay janaral Amaane waxa loo dilay arinta Ereteriya oo uu kaga soo hor-jeestay golaha Dhergiga, iyadoo la sheegayey inuu Amaane diiday in ciidamo loo diro Ereteriya, laakiin anigu ma garanayo inuu diiday iyo inklale.

Mingistu mar keliya ee uu talada na waydiiyey waxay ahayd markii ciidamada loo sheegay inay wakiilo soo dirtaan, maadaama uu ahaa ninka la doortay. Sidaa darteed Mingistu aniga wuu I yimi, wuxuuna igu yidhi “Maxay kula tahay”, waxaana ku idhi “Orda oo idinku iswaydiiya”.  Mingistu markaa waxa uu ahaa hawl-wadeenada kaydadka hubka, aniguna waxaan ahaa taliyaha guutada 3aad, isla markaana xiligaa ka hor shaqada oo aanu mar mar ku kulano mooyaane Mingistu aqoon badan umaan lahayn, sidaa darteed cid uu yahayba maan garanayn, laakiin isagu (Mingistu) maadaama uu ahaa nin seniyeer ah, isla markaana ahaa ninkii hogaaminayey kooxdan dhammaantood wuu garanayey, markaa Wax arinta Ereteriya ku saabasan nalagalama tashan.

 

Janaral Amaane markii uu gudoomiyaha ururka Dhergiga ama uu ahaa wasiirka difaaca anigu mar walba waan la kulmi jirey, maadaama aan ka tirsanaa ciidamada dhulka. Sidaa awgeed maalmo ka hor intii aanu dhiman janaral Amaane waxa soo baxay barnaamij mid mid loogu caleemo saarayo musharaxiinta ciidamada circa, laakiin aniga sugaya ayey is oo gaadhay fariin uu isagu (Amaane) soo diray, taas oo ah inuu daqiiqadihii u dambeeyey fekradiisii bedelay, wuxuuna yidhi “Anigu iman maayee adigu caleemo-saarka ka qayb gal”. Arintaa inkasta oo aanan hore uga soo diyaar garoobin, hadana khudbad yar intaan u jeediyey musharaxiintii ayaan soo laabtay, markii aan Adis-ababa imi si toos ah ayaan gurigiisa u tegay, gurigiisuna waxa uu ku nabnaa dayrka cusbataalka ciidanka. Markii aan gurigiisa u soo dhowaa ayaan arki waayey waashmaan iyo gaadh ilaalinaya toona, guriguna faaruq ayuu ahaa, xiligaa waxaan fahamsanaa oo dareenkayga ku jirtey inay jirto colaad dhextaal xubnaha golaha Dhergiga. “Taliye maxaad u samaysay sidan”, ayaan ku idhi, waxaana, isaga oo aan weli ii jawaabin intaa ku daray “Waxa laga yaabaa inay ciidamada cirku ka xumaadaan hadhitaankaga, wuxuuna markaa iigu jawaabay “Waar ninyahow iga daa nimankan waan la shaqayn kari waayey , ma waxaan amrayaa ciidamada sidaa lagu yidhi, isla markaana haba yaraatee maan qiyaasi kari waayin amarkani dhibka uu leeyahay, markaa ma doonayo inaan sidaa sameeyo (ciidamadu waa ciidamadii Ereteriya loo dirayey ee uu diiday)”, laakiin waxaan ku idhi “Taasi waa amar iyadoo qoraal ahna waa laguu keenayaa”, intaa ka dib waan iskaga soo baxay.

 

Janaral Amaane amarka uu sheegayaa ee uu leeyahay, isaga oo qoraal ah ayuu kuu imanayaa waxa laga yaabaa inay tahay warqad ah ciidanka dhaqaajintiisa oo dhawr maalmood ka hor intii aanu dhiman uu xafiiskiisa ugu soo diray Mingistu, isaga oo arintaa ka sheekaynayana waxa uu yidhi “Warqad ah ciidanka dhaqaajintiisa ayuu xafiiskayga iigu soo diray, dabadeed telefoon baan u diray oo waxaan ku idhi amarkaagii wuu I soo gaadhay. Hase yeeshee sidii aan hore kuugu sheegay anigu sidaa ma yeeli karo”, markaas ayuu igu yidhi “Ma waxaad leedahay amarka qaadan maayo”, waxaana ku idhi “Amarkaaga waxaan u aqbali waayey sharciga ayuu dhaafsiisan yahay, amarku hadii uu sharciga dhaafsiisan yahayna kuma khasbani inaan qaato”, sidaa ayaanu ku kala tagnay, amarka noocaas ahna mar uu dagaal ama rabshad kale jirto mooyaane lama bixin karo, markaa maadaama aan diiday amarkii uu I siiyey inaan joojiyey dhibaatadii dhici lahayd.

 

Janaral Amaane waxa uu ahaa nin wax bartay, kartina leh, lana jeclaa, laakiin waxa uu ahaa nin aan maqlin ama qaadan talooyinka dadka ee isagu mar walba jeclaa in tiisa uun la qaato.

Mingistu iyo xulafadiisa niman badan baa kula taliyey inay is ilaaliyaan, waayo Amane sidii quudhsi ayuu u yidhi “Meel-ba gaadhi maayaan”. Sababtuna waxay ahayd markii ay Dhergigu shirayeen ee ay u yeedhaan ee ay doonayeen inay wax waydiiyaan ayuu ugu jawaabay “Iman maayo”.

 

Aniga oo ahaa kii u soo sheegay inay Dhergigu doonayaan wada hadal inay la galaan isaga (Amane) ee aan ku idhi “Orod la hadal waxa uu iigu jawaabay “Tegi maayo”, markaas ayaan hadana u celiyey “Markaa anigu maxaan iyaga (Dhergiga) ula tagaa oo aan ku idhaahdaa”, wuxuu hadadana iigu jawaabay “Waxaad ku tidhaahdaa wuxuu igu yidhi iman maayo”, dabadeed waan iskaga tegay, waana u sheegay Dhergigii inuu I soo diiday, intaa ka dibna wixii dhacay waa la wada garanayaala soco cadadka dambe

 

 

 

 

 

 

                SheekoTaxane Ah:

Quruxdeedaa Sababtay Qalalaasaha Nolosheeda

 qaybtii 18aad--- Waxa Qoray Cumar Jabaan

 

 

Q:18aad

F

arxadii labaad ee qoyska reer Najiib waxay ahayd markii ay Luul dhashay wiil, maadaama maalinta uu inanku u dhashay reer Najiib ay ahayd maalin uu roob aad u xoog badan oo ma hiigaani ka da’ay Hargeysa waxaa loo bixiyay inanka Rooble waana loogu waana loogu wanqalay magacii Rooble, Quman Sugaal, Luul hooyadeed waxay noqotay hada la Taliyaha inanteeda ee xaga hooyanimada iyo haynta Rooble Najiib oo ah wiilkii curad ee inanteeda, Rooble waa ilmo aabe, hooyo, 2 awoow iyo laba ayeeyood oo intuba ay aad laabta ugu hayaan leh, sidaas daraadeed hadyado ayaa looga keenay Rooble guriga reer Xaaji Cali iyo guriga reer Goohaba.

Rooble wuxuu ahaa ilmo jaqa naaska hooyadii wuxuuna ka biyo diiday masaasada la is-yidhi wax ku siiya, dhakhaatiirtuna waxay talo ku siiyeen Luul in jaqsiinta naasku ay caafimaad nafaqo iyo ka hortaga cudurada waxtar uga leedahay ilmaha sidaa daraadeed ay wanaagsan tahay in ilmaha la jaqsiiyo muddo ku filan naaska.

 

Luul saaxiibadeed Amuun iyadu waxay dhigataa dugsiga sare waxaanay maalin maalin soo booqataa Luul oo ah hadda hooyo, intabadana iyagoo waxoogaa sheeko ah haysta marka ay Amuun u timaad Luul ayuu Rooble ooyaa ama wax u baahdaa markaas ayay Luul degdeg u boodaa, cabaar markay Luul wuxuu doonaynay u dhamayso inankeeda ayay ku soo noqotay saaxiibadeed Amuun inta badana sidii hore isuguma raagaan Luul iyo Amuun ee nabad iyo hadal isweydaarsi kooban ayay u badantahay booqashadoodu, waxayse Luul u sheegtay Amuun in nin la yidhaa Cabdi Maalik Raxle oo walaalkeed ay isku meel yihiin sawiro ay labadoodu ku wada jiraan u sii qaaday abiib goohe uu soo salaamayay Amuun oo uu yidhi Luulay inanta arooskaagii mixiisada ku ahayd ee kula sawiran igu salaan Luul intaa ka dib ayay siisay sawiro ka mida kuwa uu u soo diray Cabdi Maalik Raxle iyo ciwaankiisii, waxayna Luul ku tidhi “ warqad u dir dee salaantaa ka jawaab malaha sawirkaaga uu arkay ayaa cajabiyee”

 

Amuun aad ayay ugu wanaagsanayd Qoraalka waraaqaha iyo warqada isdhaafsiga markaa dib umay dhigin in ay C/Maalik Raxle oo isugu hadda ku nool dalka Maraykanka ay u dirto qoraal warqada iyo sawirka naaso hablood ee Hargeysa oo ah booskaadh. Markii ay siinaysay addresska c/Maalik Raxle, Luul waxay ogayd in marka laga reebo Waxbarashada ay saaxiibadeed aad u xiisayso dhoofka gaar ahaan dalalka Yurub iyo Maraykanka, in badan Amuun waxay Luul ku odhan jirtay miyaad walaalkaa fiiso isoo dir ku tidhaahdid, laakiin Luul oo ah mid ka mida laba carruura oo uu dhalay Goohe Guuleed oo ah nin iska ladan dhaqaale ahaan may fahmi karayn waxa ay ugu baahantahay inay dhoofto waayo may dareemin, waligeed baahi dhinacna ah oo ay is tidhaa u dhoof si aad u soo xaliso, hadda oo ay guursatayna wax isbedeli kumuu iman oo nolosheedu aad bay u wanaagsan tahay,  Dhowr waraaqood markii ay isweydaarsadeen Amuun iyo Cabdi Maalik ayay isla soo qaadeen bal inay ay isku ogaadaan in qof waliba kan kale u maqan yahay, Cabdi Maalik wuxuu u soo diri jiray Amuun buugag ka caawisa waxbarashadeeda luqada afka Ingiriiska iyo buugaag kale oo culuunta Waxbarashada ku lug leh, waxaa intaa dheeraa warqado ubaxu  ku xardhanyahay, iyo wadne, booskaadho ubaxyo kale duwani ay ku sawiranyahay oo qaarkood ay muujinayeen jacayl, buugaagta uu Cabdi Maalik u soo diro Amuun waxaa ka mid ahaa kuwo loogu talo galay diyaargarawga imtixaanada luuqada ingiriisiga ee TOEFL.

 

Amuun waxaa markii ugu horeysay ay xidhiidh la yeelatay nin aad moodo in uu la socdo rabitaankeeda mustaqbal ee waxbarasho waa Cabdi Maalik Raxle oo ay leeyihiin xidhiidh waraaqo isweydaarsi.

Hadda Amuun qudheedu uma yareysato in ay qoraaladeeda ay u dirayso Cabdi Maalik ay ka mid yihiin erayo jacayl oo laab qaadi kara qofka akhrista Amuun mararka qaar iyadaaba Luul war uga keeni jirtay abiib, warka oo ay ka heli jirtay xagga Cabdi Maalik laakiin Luul may sii qodqodi jirin heerka uu marayo xidhiidhka Cabdi Maalik iyo Amuun waayo sideeda oo kale ayay Luul jeceshahay in qofna arrimihiisa gaarka ah sidaa loo sii faragalin ilaa uu isagu kuu soo bandhigo, laakiin waxay dareemaysay, inay Amuun aad raali uga tahay xidhiidhka Cabdi Maalik.

 

Xidhiidhka Cabdi Maalik Raxle, wuxuu noqday mid taageeray Waxbarashada Amuun marka la eego buugaagta iyo taageero lacageed oo uu mar usoo diro taasoo si kordhisay in ay Amuun madaxbanaani dhan u hesho hamigeeda waxbarashda intaa waxa dheer in niyada Amuun ay aad u wanaagsantahay oo ay rajo ka qabto in ay hesho waxbarasho jaamacadeed oo dalka gudihiisa ah Inkasta oo ay aad uga fog tahay Hargeysa, waxay jeclaan lahayd in jaamacadu ku taal magaalada Hargeysa, maadaama aanay mgaalada Amuun ay ku nooshahay iyo magaalooyinka ku dhow dhow midna aanay jaamacad ku oolin Amuun kuma calool samo jaamacad ku taal xamar oo aanay weligeed arag, waxaanay ka jeclayd jaamacad dibadda ah haddii ay hesho, haddana wuxuu Cabdi Maalik Raxle hore ugu soo diray Amuun cinwaanada iyo qoraalo ay ku qoran yihiin shucuuda la doonayo qofka codsada qaar ka mida jaamacadaha badan oo ku yaal Maraykanka si ay usii fahamto. Runtii Amuun waa qof uu jasadkeedu joogo Hargeysa qalbigeeduna jooga dal kale oo ay bado iyo dhul balaadhani inoo dhaxeeyaan, Amuun intii ay ku jirtay dugsiga sare waxay aad u kordhisay barashada luqada englishka taasoo markii ay baratay u noqotay fure ay ku akhrisan karto buugaag badan oo cilmiga kala duwan ah arrintan oo u fududaysay in aanay ka wer-werin manhajka waxbarasho ee loogu dhigo iskuulka.

 

 

Goolkii Salif Digo Oo Xagga Sare Ee Horyaalka U Dhuftay Liverpool

Liverpool ayaa tagtay halka ugu sareysa kala horeynta horyaalka kooxaha Ingiriiska ka dib markii ay gool kaga badisay Kooxda Leeds oo aan iyadu waxba dhalin.

Goolka guushu ku raacday Kooxda Liverpool ciyaartii Leeds waxaa qaybtii dambe ee ciyaartii shalay dhaliyay ciyaartoyga, khadka dhexe ee Salif Diao.

 

Diao goolka wuxuu dhaliyay markii uu kubad u soo gudbiyay Paul Robinson kubadaas oo ay ahayd mid oo uu koone ka soo laaday El-Hadji Diouf wuxuuna Diao ugu hawl galay kubadaas si dhakhso ah oo dhamaystiran oo uu ku saxeexay goolkaas uu guusha ugu horseeday kooxdiisa.

Soo dhisida baaskii kubada uu salaxay El-Hadji Diouf waxaa lahaa baaska caqliga ku farsamaysaa ciyaartoyga heerka caalami ee, Jarmalka ah Paul Robinson.

 

Guuldaradani waxay u ahayd tii 5aad ee soo gaadha Kooxda Leeds xili ciyaareedkan.

Qaybtii hore ee ciyaarta bilowgii waxa gacan sareysay Kooxda Liverpool oo inta badan iyagu haysatay kubada, Herry Houlier ayaa fursado badan ka lumiyay Kooxda Leeds, waxaanu helay ilaa shan koone 20 daqiiqadood gudahood intii ciyaartu socotay laakiin midna natiijo fiican kumuu guulaysan dhammaan.

Daqiiqadii 66aad ee ciyaarta ayuu Salif Diao kubada dhexdhigay goolkii Kooxda Leeds, taasoo keentay in kooxdiisa Liverpool ay hogaanka u qabato ciyaarta.

 

Alan Shearer (300) oo Gool Ka Dib Higsanayaa Iskoorkii Jiray 30 Sanadood Ka Hor.

Alan Shearer sanadkii 1992kii ayuu ku soo biiray Kooxda Black Burn isagoo uu heshiiska ciyaartiisan ahaa 3.6 milyan oo ah giniga Sterlin ee Ingiriiska, taasoo uu u soo hooyay Kooxda guul aanay gaadhin 81sanadood intii ay dhisnayd markii ay horyaalka ku guulaysatay sanadkii 1996kii ayuu Shearer u soo wareegay, Kooxda New Castle isagoo ugu ciyaarayay heshiis uu qiimihiisu dhan yahay 15milyan oo giniga Ingiriiska ah, waxaanu noqday ciyaartoyga kaliya ee ciyaarta kubada cagta ee dhalan kara 30 gool 3 xili ciyaareed oo isku xiga, dhaawacyo jugeed oo soo gaadhay awgeed ayuu Alan Shearer noqday nin bixiya baasaska oo aan isagu dhalin goolasha bartilmaameedkiisii ku xigay Alan Shearer wuxuu noqday isaga oo tirada goolasha heerka sare ee uu dhaliyay ay gaadheen ilaa (250) gool.

 

Wuxuu hadda u baahan yahay ilaa 18 gool oo kale oo ugu darsama ilaa saddex boqol (300) goo kwa heer sare ah oo u diiwaan galay Alan Shearer uu haddii uu tiradan dambe dhaliyo Shearer wuxuu gaadhayaa iskoor goolal dhalineed oo ay gaadheen ilaa lix ciyaartoy oo wakhtigooduna ahaa muddo ka horeysay ilaa (30) sanadood muddo hadda laga joogo.

(18) Tobankaa gool wuxuu Shearer u baahanyahay inuu dhaliyo inta ka horeysa xili ciyaareedkan.

Kala horeynta goolalka Tirsiga leh waxay u kala horeeyeen ciyaartoyda Ingiriiska sida hoos ku qoran.