Haatuf News
Issue: 185________________________________ Isniin, October 21, 2002
Gacan Ka Hadal Ka Dhacay Madasha Fadhiga Golaha Wakiilada.
Doodihii Qaybe Iyo Mudane Jaamac Iyo Markhaati Furkii Gudoomiyaha Gudiga Anshaxa
H |
argeysa (Haatuf): Fadhigii subaxnimadii sabtida ee Golaha wakiilada intii aanu furmin ayaa waxa la maqlay sanqadh iyo buuq, markii aanu tagnay gudaha hoolka shirarka ee Golaha Wakiilada waxaa muuqday Mudane Axmed Jaamac Rooble oo xanaaqsan dagaalansan oo ay mudanayaal kale horjoogaan, dhinaca kale Gudoomiyaha Golaha wakiilada ayaa isna taagnaa halka ay fadhiistaan shirgudoonka golahaasi.
Mudane Qaybe oo ka hadlayay sida ay wax u dhaceen wuxuu yidhi “waxaa noo yimid nin, warqad ayuu sitay uu isagu soo qoray, wuxuu yidhi M/weynahaaa ii diray degmadayda oo yidhi hawl ka soo qabo, markaa waan tagayaa ee ogaada, Xoghayaha ayuu u geeyay xoghayuhu xeer hoosaadkii ayuu soo saaray oo wuxuu yidhi Xukuumaddu mudanaha ay hawl u dirayso warqad ayay u soo qortaa Gudoomiyaha ayay u soo qortaa ama shirgudoonka sidaasaa fasaxa lagu siiyaa, ku noqo oo warqadu la kaalay adiga ayuunbaa soo qoray, waanu ku fasaxaynaa, laakiin warqadaa la kaalay, ka dib halkan ayuu iigu yimid warqadaii ayuu ugu tuuray, wuxuu yidhi M/weynahaa shaqo ii diray, waxaan idhi keen warqaduu haddii uu M/weynuhu shaqo kuu diray, halkaa miiska ayuu boow kaga siiyay”
Mudane Jaamac Axmed Rooble oo aan arrintaa wax ka weydiinay wuxuu ku dooday in aan sharci hoosaadku ahayn sidaa uu Gudoomiyaha Golahoodu sheegay waxaanu yidhi ogaysiin uun bay xaq u leeyihiin, waxaanu ku dooday in Mudane Qaybe ku yidhi saacad ka ma maqnaan kartid Golaha,
Si aanu u ogaano tan saxan labada doodood ee gudoomiye Qaybe iyo Mudane Jaamac waxaanu arrintaa wax ka weydiinay Mudane Axmed Xirsi Caamir oo ah Gudoomiyaha gudiga anshaxa ee Golaha wakiilada waxaanu yidhi “Laftiisa ii sheegay Jaamac Axmed Rooble arrintan, dabadeed waxaan ku idhi waad khaldantahay aad baad u khaldantahay ayaan ku idhi, waayo xeer hoosaadka guddiga joogtada ah ayaan gudoomiye u ahaa isna xubin ayuu ka ahaa oo anagaa xeer hoosaadka wada sameynay gudiga joogtada ah oo aanu labadayaduba ka mid nahay, kii uu saxeexay ayuu arrintani ahayd oo ay ka hor imanaysay, arrintu waxay ahayd hadduu Golaha wakiilada xubin ka mid ahi ay hay’adaha dawladda ama kuwa kaliba u baahdaan, codsi ayay soo samaysanayaan in hawlay uga baahdeen xubintaas ama xubinahaase loo ogolaado, taasi markaa markay Golaha soo gaadho Golahuna wuu ogolaadaa, oo warqad ayuu u celiyaa, sidaas ayay markaa ku noqdaan habkii loo baahnaa ee loo wada shaqaynayay, Jaamac Markaa isagoo taa sameeyay oo ogna inuu saxeexay ayaa looga baahday hawl Madaxtooyada ah markaa soomuu marin maanu xasuusin iyaga, halkan ayuunbuu yimid oo uu yidhi waan tegayaare ogow meeshaba ma taalo waan tagayaa”
Mudane Axmed Xirsi Caamir isagoo ka hadlaya talaabada uu xeer hoosaadkoodu farayo in laga qaado qof sidan oo kale u dhinac mara wuxuu yidhi ma fududa arrintu anshax ayay maraysaa.
Hogaamiyayaasha UCID Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadalo Ka Soo Yeedhay Xubno Ururkooda Ka Jabay
“KULMIYE Waxba Uma Aasna, UDUBna Waxay Isticmaashay Hantidii Iyo Awoodii Qaranka… Ururkani Waa Kii Afka Jabiyay Kuwii Yidhi Dagaal Baa Dhacaya”
H |
argeysa (Haatuf): Xog-hayaha guud ee urur-siyaasadeedka UCID, Axmed Muuse Geedi (Sanjab) oo ay weheliyaan xubno kale oo isugu jira guddiga fulinta iyo hawl-wadoono kale oo la sheegay inay ka socdaan Xafiisyada kala duwan ee ururka ayaa jawaab kulul ka bixiyey xubno ururkooda ka tirsanaa oo maalmihii la soo dhaafay waqtiyo kala dambeeyey munaasibado kala duwan kaga dhawaaqay inay ka dilaaceen ama ka jabeen ururka UCID, sidaana waxay masuuliyiinta UCID ka sheegeen shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xafiiskooda Hargeysa, waxayna ragga ururka UCID ee kulan-saxaafadeedka ka soo qayb galay halkaa ka jeediyeen hadalo kul-kulul iyo dareen xamaasadi ka muuqato, taas oo jawaab u ahayd dhawaaqyo maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhay qaar ka mid dadka ku abtirsada ururka UCID, kuwaas oo ay hadaladoodu muujiyeen inuu jiro dil-dilaac soo food saaray dadka ku abtirsada ururka UCID. Laakiin dhinaca kalena waxay masuuliyiinta UCID dawladda Somaliland u soo jeediyeen dhawr arimood oo ay ka mid yihiin: Inay qaban-qaabiso mudaharaad dadweyne oo lagaga jawaabayo hadal ay sheegeen inuu ka soo yeedhay dawladda Talyaaniga dhowaan, taas oo ay dshir-gudoonka shirka Kenya kaga codsaday inay Somaliland shirka ka soo qayb gasho. Sidoo kale waxay Hogaamiyayaasha UCID dawladd Somaliland ugu baaqeen inay arinta ganacsiga kala xaajooto dawladda Itoobiya iyo inay sanduuq dhaqaale u furto agoomaha iyo naafada ururka SNM.
“Waxa laga yaabaa taageerayaasha ururada ay qaar maanta ka baxaan urur oo ay urur kale galaan. Hase yeeshee taasi waa inay xeer yeelataa”ayuu yidhi xoghayaha guud ee UCID, wuxuuna intaa ku daray “Waa inaan been abuur iyo dacaayado rakhiis ah la faafin, warbaahintana waxaanu leenahay waar iska hubiya”.
Xoghayaha guud ee UCID iyo ragga kaleba waxay aad uga cawdeen warbaahinta oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo dhinac u xagliya, isla markaana ay marar badan indhaha ka laliyaan hawl-galada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ururka UCID, iyaga oo ugu dambayn warbaahinta kaga cawday waxyaalihii u dambeeyey ee ay ka faafiyeen ururkooda markii ay ka hadlayeen xubnihii ka dilaacay.
Gudoomiyihii gobolka Hargeysa ee ururka UCID, Xasan Cabdi Maxamed (Xasan-xaydh) iyo xubno kale ayaa khamiistii toddobvaadkii ina dhaafay ku dhawaaqay inay ka dilaaceen ururka UCID, iyaga oo sababtana ku tilmaamay talada iyo hogaamintii maamul ee ururka oo gacanta u gashay nin keliya iyo koox yar. Sidoo kale sabtidii doraad waxa sabtidii doraad ku dhawaaqay inay ka baxeen ururka UCID, kuna biireen ururka KULMIYE nin sheegay inuu yahay gudoomiyihii ururka UCID ee xaafadda Maxamuud Haybe (Hargeysa) iyo dhawr xubnood oo kale. Laakiin masuuliyiinta UCID ee shalay shirka jaraa’id qabtay jawaabo kala duwan ayey ka bixiyeen arimahaa kala dambeeyey, sidaa darteed ugu horayn, iyaga oo ka jawaabaya arinta la xidhiidha gudoomiyihii gobolka Hargeysa, Xasan-Xaydh waxay yidhaahdeen “Waxa jira go’aamo aanu gaadhnay oo ay rag ka cadhoodeen, laakiin toban qof waxa ay yeeleen marka uu nin qudhi diido ee uu yidhaahdo sidayda hala yeelo, taa laga yeeli maayo, waayo dhaqanka ururkani waa cadaalad iyo dimoqradiyada, waana laga ra’yi batay, marka ma aha inay suuqa dacaayad ka fidiyaan, warbaahintana waxaanu u soo jeedinaynaa inaanay dacaayado rikhiis ah ka hoos qaadin been abuurayaasha ururada ka cadhooda ilaa ay hubiyaan inay haystaan cadaymo muujinaya masuuliyado la tixgelin karo, warbaahintuna dhaawac aanu ururkani galabsan ayey warbaahintu gaadhsiisay, laakiin taa waanu ka kabanaynaa, waayo wixii been ahi ma dheereeyaan”.
“Gudoomiyihii gobolka ee dacaayadaha rakhiiska ah magaalada la dhex galay, waxaan leeyahay ururkan ururkan dadna way joogi doonaan, dadna way ka tegi doonaan, laakiin ururkani ma aha urur u dhutinaya 10 qof, 20 qof, 30 qof iyo afartan qof toona u dhutinaya, mana jiro qof odhan karaa aniga la igama maarmo, qof kasta waa laga maarmin karaa, markaa waxaan leeyahay waar siyaasiyiin rakhiis ahi dadka kala dilin oo aan afmiishaariinta iska qabano, hana la iska daayo lacagtan rakhiiska ah ee dadka ka hadlinaysa”.
“qofku wuu ordi karaa oo magaalada wuu ku xiiqi karaa, iyadoo aanu wax soo saarkiisu ahayn wax sakaaro ka biirsato,”ayuu yidhi Xoghayaha guud ee UCID, isaga oo ka jawaabaya su’aal uu nin weriye ahi Xasan-xaydh ku tilmaamay inuu ururkooda ka ahaa xubin firfircoon. “Ninku raadkii wax qabad ee uu maray malaa waa laga fiican yahay inuu jaraa’idka ku qoro intaas oo xafiis ayaan calamadii ka soo rogay, laakiin shanta degmo ee uu jara’idka ku qoray inuu calamadii ururka ka soo rogayna mid walba calankeedii wuu sudhan yahay”ayey yidhaahdeen mar kale, iyaga oo u jawaabaya Xasan-Xaydh.
Masuuliyiinta ururka UCID shirkooda jaraa’id ee ay subaxnimadii shalay qabteen waxa loo malayn karaa inay ka cadhoodeen ninka sheegay inuu ahaa gudoomiyihii ururka UCID ee xaafadda Maxamuud Haybe iyo xubno kale oo sheegay inay ku biireen ururka KULMIYE, kuwaas oo warbaahinta la hadlay, laakiin masuuliyiinta shirka jaraa’id ka soo qayb galay ee UCID mar la waydiiyey su’aal arintaa ku saabsan waxay ku jawaabeen “Ninka xalay (Habeen hore) ka hadlay TV-ga ee Cismaan la yidhaahdo waxa uu sameeyey been abuur cad, markaa ma aha gudoomiye xafiis UCID leeyahay, ta kale cidda uu watey waxay ahaayeen xaaskiisa, gabadh uu dhalay iyo soddohdii, taasna waanu cadaynaynaa, waxaanuse ka xunahay in urur mucaaradka xafiiskii gudoomiyaha shirkaa jaraa’id lagu qabto oo ay warbaahinta iyo ururkuba iska hubin waayeen been abuurkaa”.
Xoghayaha guud ee UCID waxa ku dooday inay ururkooda dhiseen rag aqoonyahano ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay rag ka caafimaad qaba goddobaha siyaasadda, isaga oo duray siyaasiyiinta ururo uu iska diiday inuu magac dhabo. “ururka UCID waxa dhisay dad samo-ka talis ah, dad diinta ku wanaagsan, dad aan iin ku lahayn belaayooyinkii dalka ka dhacay, waxaana weeye dad aan wax xumaan ah ku suntanayn”, laakiin Sanjab hadalka wuu sii waday, wuxuuna ka hadlay sooyaalkii ururkooda, isaga oo carrabka ku adkeeyey inuu ururkoodu yahay ururkii ugu horeeyey ee mucaarad ah ee samaysma, isla markaana waxa uu ku dooday inuu baajiyey khataro badan oo siyaasadeed, wuxuuna yidhi “Ururkani waa ururkii ugu horeeyey ee mucaarad ah ee dalka ka dhisma, waa ururkii xalaaleeyey distoorka, waa ururkii xalaaleeyey inay ururada siyaasiga ahi doorashada u tartamaan, waa ururkii ka adkaaday fekradii shir-beeleedka, rag baa doonaya inay soo nooleeyaan fekradii shir-beeleedka, laakiin dhaawicii aanu ku dhufanay ma aha mid ay ka soo kacayaan, ururkani waa ururkii ummadda badbaadiyey ee afka ku dhuftay kuwii lahaa 23-ka febarweri dalka dagaal baa ka dhacaya, ururkani waa ururkii mar labaad ummadda badbaadiyey ee sannadka u kordhiyey xukuumadda fadhiidka ah, laakiin ururkani iminkana waxa uu heegan u yahay inay doorashadu dhacdo, walaa kordhin, walaa doorasho ma dhacayso No (Maya) way dhacaysaa doorashadu, ururkanina ma aha mid xaafad ka samaysan ee waa urur ummadda oo dhan ka dhexeeya”. Laakiin, xoghayaha guud waxa kale oo uu intaa ku daray inuu ururkoodu ka caafimaad qabo sifooyin aan wanaagsan oo ay leeyihiin ururada kale qaarkood, mase carrabaabin ururada uu ujeedo, wuxuuna yidhi “Ururkani ma aha urur lagu dhisay telefoon qurbaha ka yimaadda oo lagala daba yimaado dhaameel ee Hargeysa dhexdeeda ayuu ka dhismay, ururkani ma laha siyaasiyiin munaafiqiin ah, waxaanuna leenahay inta siyaasi ee wadanka dhex ordaysa waa in mid walba la baadhaa oo wixii ay ummaddu dayn ku leedahay oo dhan aanay tartanka ka qayb gelin, waana in la joojiyaa ragga maanta nagula tartamaya xoolaha agoonta ee ay gurteen, isla markaana ragga lacagta madmadowga leh soo qaatay ee wadanka la imanaya ee doonaya inay ururada ku baabi’iyaana waa in la baadhaa”. Laakiin xoghayaha guud ee UCID, mar la waydiiyey ururada uu duray kuwa ay yihiin, waxa uu kaga jawaabay “Iminka faahfaahin maayo, waadse heli doontaa, waxayna soo bixi doontaa marka uu ololaha doorashadu bilaabmo 15 cisho ka dib, markaas ayaanu sheegi doonaa”.
Marka laga hadlayo khilaafka cusub ee ka dhex-bidhaamay ururka UCID waxa jira warar ay dadka qaar isla dhexmarayaan oo la leeyahay waxa uu ka huray hindise la doonayey in ururka UCID uu la midoobo ururo kale, iyadoo la leeyahay taasi waxay gogol-xaadh u ahayd inay ururka ku soo biiraan rag siyaasiyiin ah oo magac lihi, laakiin xoghayaha guud ee UCID mar su’aal caynkaas ah la waydiiyey waxa uu kaga jawaabay “Arintaasi way jirtaa, laakiin anagu ururada kale waxyaalo aanu ku kaga duwanahay baa jira, waayo maanta waxa jira ururo ay ka urayso wax shir-beeleed u egi, kuwaas oo aanu diidnay inaanu la bahowno”, laakiin waxa la waydiiyey kuwa ay ururadaasi yihiin, wuxuuna yidhi “Dooni maayo inaan hadda sheego, warbaahintaa heli doonta, laakiin waxa jira qaar yidhaahda dawlad kumeel-gaadh ah iyo dawlad loo dhan yahay, kuwa sidaa yidhaahda shir-beeleed baa iiga ura”.
Masuuliyiinta UCID waxa kale oo la waydiiyey su’aal ahayd suurta gal ma tahay inay saamayn idinku yeelatay oo ay idinka dheereeyeen ururada KULMIYE iyo UDUB oo mudooyinkii u dambeeyey firfircooni muujiyey, taasina ay keentay inuu ururkiinu kala daato, laakiin waxay taa kaga jawaabeen “Anaga haba yaaraatee ma jiro wax na kala daadiyey ama na kala daadinayaa, ta kale labada urur ee aad sheegtay “KULMIYE & UDUB), KULMIYE labadii bilood ee u dambeeyey ayuu bilaabmay, anaguna 15 bilood ayaanu soo shaqaynaynay, markaa anaga dhidibo iyo boholo ayaa noo aasan, laakiin KULMIYE waxba uma aasna ee hadda ayuu shiniyeynayaa inuu taageerayaal helo, ta kale ururka UDUB hantidii ummadda iyo awoodii qaranka ayuu isticmaalayaa, taana waanu cadaynaynaa, tusaale ahaan dawladdu hadii aanay been sheegayn dekeddu ha keento xisaab-xidhkeeda, dawladda hoose ee Hargeysa ha keento, sidee buu nin maayar ahi xilka uga tegi karaa, iyadoo aan xisaab-xidhkii laga qaadin ”.
Masuuliyiinta ururka UCID waxa kale oo la waydiiyey su’aal ahayd in ururkooda ay dadka qaar ku tilmaamaan inuu yahay urur had iyo goor badsada weerarka ama duridda ururada kale mucaaradka ah, taasna laga yaabo inay ururada qaarkood ku keliftay inay jawaab weerar celin ah ka bixiyaan, taasna ay saamaynteedii hadda muuqato, laakiin waxay masuuliyiinta UCID, taa kaga jawaabeen “ Siyaasiyiinta ururka KULMIYE hadii aan arko, iyaga oo leh wax aanan jeclaysan oo dardarta aan wado ee Somaliland gooni isu taageeda hadii aanay ila jaan-qaadin waan dhaliilayaa, waana dhaawacayaa, dayna maayo”.
H |
argeysa (Haatuf): Ganacsade Cabdi Muxumed Cabdi oo ah ninka leh dhismaha ORIENT HUTEL ayaa shalay mishiin nooca dabka qabta ah (Fuse Swich Board) ugu deeqay wershadda weyn ee laydhka Hargeysa, waxaana mishiinkaa deeqda ah ganacsadahaa ka gudoomay maareeyaha wershadda laydhka Hargeysa, ENG. Cabdi Cali Barkhad.
Ganacsadaha mishiinka ku deeqay oo hadal kooban ka yidhi munaasibadii deeqda lagu kala gudoomay ayaa tilmaamay sida ay muhimka u tahay inay ganacsatadu qaybtooda ka qaataan dhismaha iyo horumarka dalka. “Wershadda laydhku maanta waxyaalo badan bay anfici kartaa”ayuu yidhi ganacsade Cabdi Maxamed, wuxuuna intaa ku daray “Anigu dadka debedaha ku nool baan ka mid ahay dabcan horumar badan baa la sameeyaa, markaa waxaan jeclaa inaan dalkayga wax u qabto sababta darteed ayaan maanta doonayaa inaan mishiin laydhka ah ku caawiyo wershadda laydhka Hargeysa”, waxayna bixinta deeqdani ku soo beegantay xili uu socdo dayac-tir lagu samaynayo dhismaha caanka ah ee ORIENT HUTEL, isla markaana inkasta oo aan isticmaalka dhismahaa si rasmi loo furin oo uu weli socdo dhismihii lagu dayac-tirayey, hadana qaybo ka mid ah dabaqa hoose ee dhismahaa oo la dayac-tiray ayuu mar hore bilaabmay isticmaalkoodu, waxaana hadda ka furan meherado kala duwan.
Maareeyaha wershadda laydhka Eng. Cabdi Cali Barkhad ayaa isna munaasibaddaa ka hadlay, wuxuuna ugu horayn ganacsade Cabdi Muxumed uga mahad naqay deeqda uu u fidiyey wershadda laydhka, laakiin waxa uu intaa ku daray “Runtii mishiinkan oo aanu qiimihiisu ilaa $1000-dolar ka yarayn wax weyn buu anaga noo tarayaa, waxaana bahalkan lagu rakibaa meelaha Isteeshinada laydhka magaalada ee dabka qaybiya si uu xaafado dhan dabkooda u ilaaliyo oo uu isaga jaro hadii ay khatar dhinaca dabka ahi timaado”. Laakiin intaa ka dib maareeyaha wershadda laydhka Hargeysa, Eng. Cabdi Cali Barkhad oo ay weriyayaal Haatuf ka tirsani munaasibadaa ka dib wax ka waydiiyeen halka ay hadda marayso xaaladda adeeg ee wershadda laydhka Hargeysa ayaa sheegay inay wershaddu hadda awood u leedahay inay shido dhammaan qalabka dabka badan isticmaala ee magaalada ku yaal, wuxuuna intaa ku daray inay mustaqbalka dhow ku talo jiraan inay 24-kii saacadood-ba laydhka magaalada kafaalo qaataan.
“Marka aanu qalab ku filan la helo waxaanu doonaynaa inaanu joogto ka dhigno laydhka magaalada”ayuu Eng. Barkhad. Hase yeeshee maareeyaha wershadda laydhka Hargeysa, Eng. Cabdi Cal Barkhad mar la waydiiyey waxa ay ka damacsan yihiin ganacsatada Wershadaha yar yar ee laydhka waxa uu yidhi “Berito (Maanta) ayaanu doonaynaa inaanu shir u fadhiisano anaga iyo ganacsatada leh mishiinad yar yar ee laydhka, shirkaas oo lagaga wada hadli doono bal sidii ay u wada shaqayn lahaayeen wershadda iyo shiraa’igga kale”.
Qiimaha Lacagta Somaliland Baanka Iyo Sariflayaasha Midkee Baa Sargooya
B |
aanka Somaliland waa hay’adda sharciyan ka masuulka ah lacagta u gaarka Somaliland iyo la socodka qiimaheeda, masuuliyadan waxaa ku jirta in Baanka Somaliland oo isagu ku hawlgalo siyaasado wanaajinaya qiimaha lacagta uu masuulka ka yahay ee Somaliland.
Inkasta oo sababo badan la soo bandhigo sababaha keena in lacagta wadaniga ah aanu qiimaheedu yeelan mid ku dhaw dhaw lacagta qalaad haddana waxa la xusi karaa in marka ay badato baahida lacagta adagi ay timaado qiimo dhaca lacagta wadaniga ah, baahida lacagta adaga ayaa salka ku hayaa sida uu dalkaasi uga baahanyahay waxyaalo uu dibadda ka soo dhoofsado haddii markaa uu waxsoo saarka gudaha ee wata alaabtiisa qaydhiin ee wadaniga ah ama dhinacyada raashinka daruuriga ah qalabka dhismaha, dharka, kabaha, midwal oo dalku iskaga filnaadaa waxay yaraysaa baahida loo qabo lacag adag oo wax lagu soo iibsado.
Baananka xiliyadii hore wxii ka horeeyay 1988kii waxay ahaayeen halka qudha ee lacagta lagu keydsado, halka qudha ee ay ka furanyihiin xisaabaad amaaheed oo maalgelina, halka qudha ee iyadu isu weydaarisa lacagta Ganacsiga dalka dibadiisa iyo gudihiisa.
Sida uu ii sheegay qof ka mida ah sariflayaasha suuqa Hargeysa ee lacagaha wuxuu shalay qiimuhu marayay shilinka Somaliland 6280/= halkii $ markii aan weydiiyay halka laga xadido sarifka lacagta inay tahay baanka Somaliland iyo in ay tahay sariflayaasha wuxuu ii sheegay in aan la tilmaami karin meel arrinta laga xukumo, su’aal taa la socota oo aan waydiiyay isla qofkaa ayaa ahayd maxaad u malaynaysaa in ay sababaan in uu hoos u dhaco qiimaha shilinka Somaliland ama uu kor u kaco, waxaanu ku jawaabay haddii lacag badan oo cadaan ay soo gasho suuqa $ wuu qaaliyo-baa, shilinka Somalilandna hoos ayuu u dhacaa, qofkaasi wuxuu ku daray meelaha lacagta cadaanka ahi ee shilinka Somaliland suuqa soo galiya waxa ka mid ah isla baanka Somaliland, haddii uu baanka Somaliland lacag adag soo geliyo suuqana in uu qaaliyoobo shilinka Somaliland.
Haddii maamulka iyo xadaynta qiimaha lacagta Somaliland ay ka baxdo gacanta baanka Somaliland ma ma aha in baanku uu iska soo saaro sixir sarif aan ka socon suuqa, ee arintu waxay u baahantahay in aanu baanka Somaliland isku koobin inuu ahaado bakhaar dawladdu leedahay oo lacagta laga bixiyo cashuurahana lagu xereeyo, waxaa loo baahanyahay in uu baanku u hawlgalo sidii uu u soo ceshan lahaa dhammaan aaministii iyo adeegyadii baanku qaban jiray dadweynaha oo uu yeeshaa awood uu isagu gacanta ugu qaban karo xadidaada qiimaha sarifka oo leh farsamo cilmiyaysan laakiin aan ahayn amar qiimo goyna oo aan suuqa ka shaqeynayn.
Arrintan waxaa ka mid ah in ay baanka ka muuqato in aanu dhiiri galinayn, farsamooyinka lacagaha ku baxa sifaha musuqmaasuqa ee loo adeegsado siyaasada oo ka mida astaamaha iyo ilaha lacagta cadaanka ah ee suuqa soo gasha, waxaa iyana xusid mudan in qiimaha lacagta Somaliland ay saro u kici lahayd haddii dariiqa lagu heli karaa uu yahay kan shaqada iyo Ganacsiga oo kaliya oo ay meeshaka baxdo lacagaha lagu helo safaha musuqmaasuqa.
Ilaalinta qiimaha sarifka iyo maalgelinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh wax soo saarka dalka. Waa arrimo u danaynaya danyarta tirada badan ee ah xalaal quudata ma jiro sabab ka hor istaagi karta in ay baananka dawladda Somaliland yeeshaan qaybta sarifka lacagaha.
Waxaa jira Haddaba Somaliland hay’addo gaara oo ka ganacsada hawlaha lacagta oo ay dadku ku aamineen hantidooda, waxaa looga baahanyahay baanka Somaliland inuu ku talaabsado siyaasado keeni kara in ay dadku ku aamini karaan lacagta Somaliland Shilings ama lacagaha adag.
Wufuud UDUB Ah Oo Galaabaxaya Degmada Gebilay
Gebilay (Haatuf): Wefti culus oo ururka UDUB ah ayaa shalay socdaalo galaabixiyey degaamada Gebilay, waxayna magaalada Tog-wajaale ka fureen xafiis cusub oo uu UDUB leeyahay, isla markaana waxay dadka degaamadaa u jeediyeen khudbado ay ugu ololaynayaan ururkooda.
Weftigaa waxa hogaaminayey wasiirka waxbarashada, Axmed Yuusuf Ducaale, waxaana ka mid ahaa wasiir-kuxigeenka hawlaha guud, Cabdi Cawaale iyo rag door ah oo ka kala socday qaybaha iyo Xafiisyada ururka UDUB, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen mudanayaal baarlamaanka ah iyo weliba nimanka madaxda ka ah Xafiisyada gobolka Hargeysa ee UDUB, sida Xuseen Cali Xirsi oo ah gudoomiyaha gobolka Hargeysa ee UDUB oo ay weheliyeen xubno kale.
Weftigaas oo magaalada Gebilay soo gaadhay gelinkii dambe waxa halkaa ku soo dhoweeyey xubnaha iyo taageerayaashooda degaamadaa, waxayna weftigaas iyo xubnahoodii kale ee Gebilay kaga biiray, iyaga oo kolonyo baabuur ah ka baqooleen magaalada Gebilay, iyaga u sii jeeda magaalada Tog-wajaale, iyadoo ay dadka reer Tog-wajaalena weftigaa si weyn u soo dhoweeyeen, kuwaas oo xataa kala hor yimi Fardo ay dheegga kaga dhejiyeen waraaqo ay ku qoran tahay “U codee UDUB”.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan waxay weftiga UDUB Tog-wajaale ka fureen xafiis cusub oo UDUB ah.
Weftigan UDUB oo labadii maalmood ee u dambeeyey si weyn looga sugayey degaamada Gebilay, hadana weftiga yimi way ka weydsanaayeen weftigii markii hore la sheegay inay imanayaan, iyadoo ay weftiga Axmed Yuusuf Ducaale shalay iyo doraad-ba isaga daba noqdeen degaanka Gebilay. Weftigaasina waxa kale oo ay isla shalay booqdeen magaalada Kalabaydh, iyaga oo meelahaa ay tageen dadka khudbado olole siyaasadeed ah uga jeediyey. “Dhowaan waxa dalka laga soo saarayaa shidaalkii, busaarad dambena la arki maayo, waana in UDUB la doorto”ayaa ka mid ahaa hadaladooda.
Odayaasha degaanka Kalabaydh ayaa iyaguna weftigaa la hadlay, waxaana ka mid ah waxyaalihii ay kala hadleen cabasho ku saabsan qaadka oo dhowaan laga soo wareejiyey kastamkii Kalabaydh ee uu soo mari jirey, loona wareejiyey madaarka Hargeysa oo ay diyaaradi keento. “Kalabdydh waa kastamkii qaadka, qaadkiina waxa loo wareejiyey madaarka , taasina waxay ka dhigan tahay dekedda Berbera oo oo meel kale loo wareejiyaa, markaa xukuumaddu waa inay qaadka halkiisa ku soo celisaa”ayey ku dacwiyeen odayaasha reer Kalabaydh.
Weftigaasi waxa kale oo ay isla shalay socdaalo ku mareen Arabsiyo iyo Gebilay oo ay ka duulayeen, waxaana la filayaa inay ilaa maanta halkaa joogayaan.
H |
arg (Haatuf): Guddiga doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa la filayaa in ay maanta warbixin xogwaraysi ah ka jeediyaan Golaha Wakiiladda ee Somaliland, sidaa waxa shalay u sheegay mudanayaasha golahaas ee ka soo qayb galay fadhigii shalay Gudoomiyaha Golaha wakiilada mudane Axmed Maxamed (Qaybe).
Waxaa kale oo u hadalkiisa ku xusay mudane Qaybe in ay ka mid tahay xogwaraysigaa bal xaaladda dalka in ay doorashooyinku ka dhici karaan iyo in kale.
Todobaadadii tagay waxaa saxaafada soo gaadhayay magacaabista guddiga doorashooyinka ee Gobolada iyo degmooyinka oo ay soo saareen gudiga doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, magacaabista gudiyada waxaa meelaha qaarkood daba socday ururada mucaaridka oo ku gacan saydhay xubnaha ay gudigaasi magacaabeen.
Isla arrintan shir jaraa’id oo uu Hotel Bile ee Hargeysa ku qabtay ururka UCID todobaadadii tagay ayuu Gudoomiyaha ururkaasi Eng: Faysal Cali Waraabe ka sheegay in uu helay warar tibaaxaya in xubnihii guddiga doorashooyinka ee loo magacaabay Degmada Sala-lay ay ahaayeen qaar dhinaca u janjeedha dhinaca ururka UDUB ee ay ku jiraan xubno tiro badan oo haya masuuliyadaha Dawlada Somaliland, laakiin wuxuu raacay Faysal in ay arrintan xaqiiqdeeda ka daba tagayaa arrinta doorashooyinka iyo ururada siyaasada waxay tahay hadda Somaliland arrin aad uga dhexmuuqata nolol maalmeedka.
A |
llay-baday (Haatuf): Magaalada Allaybaday waxay ka mid tahay meelaha sannadihii u dambeeyey ka dalacay heerkii tuulanimo, una dalacay heer degmonimo, waxayna Allaybaday markii ugu horaysay u dabaal-degtay curashadeedii degmonimadeeda Febarweri12, 2002, maalntaas oo ku weyn xusuusta dadka reer Allaybaday, laakiin marka laga soo bilaabo tan iyo maalintaa waxa magaalada Allaybaday ka muuqda isbedel.
Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay Maxamed Xasan ayaa
khamiistii toddobaadkii ina dhaafay warbixin nooga soo diray guud ahaan
xaaladda Allaybaday, gaar ahaana muuqaalka maalmihii u dambeeyey, waana tan
warbixintii oo aanu soo koobnay:
”Marka aad eegto muuqaalka guud ee magaalada Allaybaday waxa ku yaal dhismayaal tiro badan, isla markaana uu muuqaalkoodu qurux badan yahay, kuwaas oo u badan meherado ganacsi, sida Bakhaaro, makhaayado, Kaalmo Shidaal iyo weliba xarumo isgaadhsiineed oo dhowaan ku soo kordhay, sida Telesom, isla markaana waxa ku taal saylad ganacsi oo xoolaha nool lagu kala iibsado. Hawl-wadeen ka tirsan dawladda hoose ee Allaybaday ayaa ii sheegay in tiro koob ay ku sameeyeen dhismayaasha dadweynaha ay noqdeen ilaa 896 guri.
Dhinaca kalena laga soo bilaabo tan iyo markii ay dawladda Itoobiya xidhay ganacsiga xuduudaha ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waxa magaalada Allaybaday ka muuqday dhaqdhaqaaq cusub oo dhinaca ganacsiga ah.
Kooxo dadka ganacsatada ah ayaa maalmihii ina dhaafay bilaabay inay dhismaayal ganacsi ka kiraystaan Allaybaday, sidoo kale waxa magaalada Allaybada, taasina waxay cirka kuu shareertay qiimaha lagu kiraysto bakhaarada iyo meheradaha kale ee ganacsiga.
Waxa maalmahan soo gelayey gaadiid sida badeecado ganacsi, kuwaas oo la sheegay inay ka kala yimaadeen furdadaha Berbera iyo Boosaaso, waxayna baabuurtaasi rarkii ay sideen ku rogeen Bakhaarada Allaybaday.
Dadka socotada ah ee Magaalada Hargeysa iyo nawaaxideeda uga safra dhinaca Itoobiya iyo kuwa dhinaca Itoobiya ka imanayaba waxa uu markii hore intii aanay dawladda Itoobiya xadka xidhin marinka ugu weyn ee ay ka gdu-bi jireen waxa uu ahaa Harta-sheekha, laakiin inkasta oo aanay taasi ilaa hadda ahayn mid shaac-baxsan, hadana magaalada Allaybaday waxay maalmahan u muuqataa marinka cusub ee ay dadku isaga gudbaan.
Dadka ka imanaya dhinaca kililka 5aad oo aan qaar ka mid ah la sheekaystay ayaa ii sheegay in ciidanka Itoobiyaanka ah ee xuduudka fadhiyaa ay u sheegeen in qofkii doonaya inuu ka shaqaysto xuduudda labada dal u dhexaysa uu soo samaysto ruqsad ganaci (Liisan), waxayna sheegeen inay ruqsadaasi ku kacayso 3000 oo lacagta (Birr)Itoobiya ah. Laakiin gabadh ka mid ah dadka ku nool xerada qaxootiga ee Dul-cad (Bariga Itoobiya) oo aan kula kulmay Allaybaday ayaa werwer badan ka muujisay xaaladda isu socodka labada dhinac (Somaliland & Itoobiya), waxayna, iyadoo ka waramaysa waxa ay kala kulantay xadka markii ay dhinaca Itoobiya ka soo socotey tidhi “Markii aanu Harta-sheekha Baska ka soo raacaynay kaantarool dhexda ku yaal oo ay joogeen ciidamo Itoobiyaan ahi ayaa nalagu joojiyey, waxayna na waydiiyeen Waraaqo aqoonsi, dabadeedna waxaan u sheegay inaan ahay qaxooti, laakiin waxay askartii ii sheegeen inaanan dib ugu soo noqon aniga oo Mustawaqe (Taysaro Itoobiyaan) sita mooyaane”.
“Dawladda Itoobiya waxay dalkeeda kala dagaalamaysaa koontarabaanka, waxaadna arkaysaa baabuur aan lambar lahayn oo buug lahayn Itoobiya gelaysa, taasna way ka fajaceen”sidaa waxa yidhi Maxamed Samaale Ducaale oo ka mid ah odayaasha Allaybaday oo tilmaamaya sida uu u arko xidhitaanka xuduudka.
Dhinaca kalena masuuliyiinta maamulka Allaybaday ayaa toddobaadkii hore kulamo la yeeshay saraakiisha ciidanka Itoobiya ee xuduudaha fadhiya, waxaana la sheegay inay labada dhinac ka wada hadleen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen dhaqdhaqaaqa isu socodka labada dhinac.
Horumarka Ummadda Iyo Ahmiyadda Dhalinyarada
Xasan Xoosh
Caalamka aynu maanta ku nool nahay waxa ka socda loolan aad u adag. Loolankaasi oo ay umad waliba ayku rabto inay kaga horumarto umadaha kale.
Sidaa daraadeed umad waliba waxa ay leedahay dad u halgama oo ka shaqeeya horumarinta iyo kor u qaadida umadooda dhinac kasta oo ka mid ah nolosha sida
ü Dhaqaalaha
ü Waxbarashada
ü Caafimaadka
ü Iyo dhammaan wixii hore u mar lagu gaadhayo.
Markaa umad kasta oo danaynaysa horumarkeeda waxa laf dhabar u ah dhalinyaradeeda oo ah xooga bulshada, sababaha ay dhalinyaradu ku noqdeen lafdhabarta bulshadana waxaa ka mid ah.
- wakhtiga dhalinyaranimada oo lagu tilmaamo wakhtiga dahabiga ah ee uu qofku dhan walba ka dhisanyahay.
- Astaamaha dhalinyarada lagu tilmaamo oo ah kuwo usamaxaya wax qabadka sida.
· Caafimaad qab marka ay xaaladiisu caadiga tahay
· Xoog buuxa iyo firfircooni
· Caqli caafimaad qaba
· Hami iyo wax hiigsasho
Isku soo aadida astaamahaasi oo dhan waxay dhalinyarada ka dhigayaan lafdhabarta bulshada oo haddii ay ugu faa’iideeyaan bulshada keenaysa horumar buuxa.
Run ahaantii marka laga hadlayo dhalinyaro waxay u dhigmaysaa ereyga mustaqbal Maxaa yeelay labada erey makala hadhaan, maadaama uu mustaqbalka umadkasta ku xidhanyahay sida ay tahay dhalinyaradoodu.
Sidaa darteed ayay dadkeenu marka uu ilmuhu dhasho ugu duceeyaan inuu ilaahay ka dhigo kii dadkiisa, iyo dalkiisa, iyo diintiisa anfaca.
Laakiin xilka ka saaran bulshada hagaajinta dhalinyarada ayaa isna ah mid lagama maarmaan ah si ay dhalinyaradoodu u anfacaan. Sidaa darteed ayaa bulshada laga rabaa inay ahmiyad siiyaan sidii ay dhalinyarada ugu jeexi lahaayeen wado fiican iyo mustaqbal fiican.
Dhalinyaradana maadaama uu sugayo xil culusi waa inay u diyaar garoobaan sidii ay xilkaa uga soo bixi lahaayeen. Marxalada aadka u adag ee uu marayo dalkeena Somaliland wuxuu u baahanyahay dhalinyaro wax ka qabata sidii looga bixi lahaa waaqican aynu ku nool nahay ahmiyadana siiya horumarka dalkooda taasoo u baahan dedaal iyo xilkasnimo ay dhalinyaradu muujiyaan.
Mushkiladaha Dhalinyarada Soo Waajaha:
Waxa xusid mudan markaan ka hadlayno dhalinyarada iyo mushkiladaha kala duwan ee saamaynta ku leh noloshooda inay inta badan mushkiladahaasi ka yimaadaan dhinacooda, badankana nolosha qofka waxa saamayn ku leh aragtida uu qof waliba ka haysto nolosha tusaale ahaan haddaan u soo qaadano mushkilada camal la’aanta oo ka mid ah mushkiladaha ugu waaweyn ee ragaadiyay noloshooda inta badan waxay dhalinyaradu isku qanciyeen in aanay shaqaysan karin markaa waxaa ku dhaca niyad jab, murugo iyo werwer.
-Eeg dhinaca fiican noloshu waxay ka kooban tahay macaan iyo qadhaadh, mugdi iyo iftiin, farxad iyo murugo, sidaa ayuu Ilaahay u abuuray nolosha waxaana ka buuxa iska horimaad farabadan inaga ayaanay inagu xidhantahay doorashada hanaanka nolosheena inaga ayaa sidoo kale xukuna nolosheena sida aan doonaynana waa ka dhigaynaa.
Balse haddii aan murugoono oo bararoorano waa mid waaqaca ka fog balse waa inaan ahmiyad siinaa sidii aynu wax u qabsan lahayn.
Waxkasta oo Dunida guudkeeda ka jiraa wuxuu leeyahay xumaan iyo wanaag, ma jiro qof wada khayr ah haddii uu jirana wuxuu noqon lahaa malaa’ig. Sidoo kalena ma jiro qof wada shar ahi haddii uu jirona waxa uu noqon lahaa Shaydaan oo kale.
Haddaba haddii aynu sidaa u eegno nolosheena aragti ahaan waxa hubaal ah in ay wax badani iska bedeli lahaayeen.
Sidaa darteed akhriste waxa lagama maarmaan ah inaad ku dadaashid oo aad rumaysatid inuu nolosheena jiro dhinac fiicani aragtidaadana waxaad marwalba u bedeshaa sida wanaagsan adigoo ka eegaya xaga fiican, ogsoona in ay wax waliba ku xidhan yihiin dedaalkaaga.
Sadaam Xuseen Oo Ooda Ka Qaaday Maxaabiistii Ku Jirtay Xabsiyada Ciraaq
B |
aqdaad (W. Wararka) Madaxweynaha dalka Ciraaq Sadaam Xuseen ayaa maalintii shalay soo saaray wareegto uu ku cafiyay maxaabiistii ku jirtay jeelasha dalkaasi taasoo ka dambaysay markii uu dhawaan 100% ku guulaystay aftidii laga qaaday dadka dalkaasi ku nool.
Telefishanka Ciraaq ayaana sii daayay sawiro ku saabsan dadka maxaabiista ah oo ka soo baxaya jeelasha ay ku xidhnaayeen iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ku amaanayaan Sadaam Xuseen Wasiirka warfaafinta ee Ciraaq Maxamed Siciid Al-Saxaaf oo wareegtada madaxweynaha ka akhriyay qalabka warbaahinta ayaa sheegay in cafiskan ay ka faa’iidaysanayaan dhammaan dadkii xidhnaa oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo dad dambiyo kale loo haystay, haddii ay dalka gudihiisa joogaan iyo haddii ay dibadda ay ku maqanyihiinba waa markii ugu horeysay ee uu Sadaam Xuseen soo saaro wareegto noocan ah oo uu ku cafiyo dhammaan maxaabiista ku jirta jeelasha dalkaasi mudadii 33sano ahayd ee uu xukunka hayay.
Dhinaca kalena mucaaridka ka horjeeda Sadaam Xuseen ayaa sheegay in ay taageersanyihiin xukuumadii boqortooyada ahayd oo lagu soo celiyo dalka Ciraaq.
Iyagoo intaa ku daray in ay dadka reer Ciraaq ka daaleen xukuumada Milatari loona baahanyahay isbedel dalka ka dhaca.
Waxa kale oo ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan talaabo milatari oo uu Maraykanku ka qaado Ciraaq.
Shir Madaxeedkii Dalalka Ku Hadla Afka Faransiiska Oo La Soo Gebagebeeyay
B |
ayruut (W. Wararka) Shir madaxeed muddo saddex maalmood ah uga socday dalalka ku hadla afka Faransiiska ee loo yaqaan Farancophone ayaa shalay lagu soo gebgebeeyay caasimada dalka Lubnaan ee Bayruut.
Shir madaxeedkan oo ay ku kulmeen madax ka kala socota 56 dal muddadii uu socday waxaa lagu soo qaaday qodobo ay ka midyihiin xaaladda bariga dhexe, qadiyada Ciraaq, dagaalka ka socda dalka Ivory cost, la dagaalanka Argagixisada iyo arrimo kale oo khuseeya dalalkaasi. Warmurtiyeed gabagebadii shirkaasi laga soo saaray waxa ay madaxdu ku canbaareeyeen argagixisada oo ay ku tilmaameen aafo u baahan in wadajir looga hortago, iyagoo ku baaqay iskaashi arrintaasi laga sameeyo.
Mar ay soo qaadeen xaaladda bariga dhexe waxa ay canbaareeyeen falalka ay Israa’iil ka wado dhulka Falastiiniyiinta, mar ay ka hadlayeen qadiyada Ciraaq waxay ku baaqeen in arrintaasi xal nabad gelyo lagu dhameeyo. Waxaanay soo dhaweeyeen Ciraaq oo aqbashay inay dalkeeda ka hawlgalaan Baadhayaasha Q. midoobay. Waxaa kale oo gebagebadii shirkaa lagu doortay Xoghaye guud oo cusub oo uu yeelanayo ururka Farancophone kaasoo ah Cabduu Duyuuf Madaxweynihii hore ee Sinigaal isagoo bedalaya Butros Qaali oo jagadan hayay.
Shirkani oo ahaa kii 9aad ee Farancophone-ka ka xiga waxa la qorsheeyay in lagu qabto caasimada dalka Burukiino Faaso sanadka 2004
C |
ali Suudaani wuxuu maalintii dambe suuqa kula kulmay inan ay hore isaga iyo asxaabta Najiib iyo Jaamacba hore u yaqaaneen, waxayse aad isugu sii dheeraayeen Najiib. Inantaasi waxay ahayd haweenay hadda carruur leh oo ka timid dalka Yurub ku yaalla ee Holland, waa Caasha Sheerii. Isa salaamis kadib Caashi waxay ka waraysatay dhallinyaradii inta hadda ka joogta Hargeysa, waxaanay ka codsatay inuu u geeyo Najiib oo uu soo tuso, inkasta oo uu Cali Suudaani u sheegay Caasha in uu Najiib leeyahay xaas oo uu carruurna leeyahay. Haddana Caasha dhinaceeda wax sidaa u weyn oo dhibaato leh umay arkayn, si uu fiidnimada Cali Suudaani u soo tusana Caashi waxay geysay guriga ay ku soo degtay.
Maalintaasi Cali Suudaani waxay u ahayd maalin wanaagsan, waayo Caasha ayaa u laabtay waxoogaa lacag ah oo kharash-maalmeedkiisa ku filan toddobaad. Caasha Sheerii waxay u sheegtay Cali Suudaani in ay hadiyad ay ugu soo talogashay u sido Najiib.
Fiidnimadii ayay Caasha Sheerii iyo Cali Suudaani isu raaceen gurigii reer Najiib, Luul oo ka furtay ayaa u sheegtay inuu fadhiyo Najiib qolka fadhiga, markiise ay dhaafeen Luul inta ay albaabka xidhay ayay ka daba-tagtay Cali Suudaani iyo inantii u dhaafay dhinaca aqalka uu ka joogay Najiib.
Cali Suudaani ayaa markii ay soo gaadheen Najiib isaga iyo Caasha oo sida hadiyad si fiican loogu soo xidhay dahaadh qurux badan ayuu Cali Suudaani yidhi; “Najiib caawa waa aniga iyo Caasha Sheerii oo ka timid Holland.”
Caashi markii ay indhaha saartay Najiib ayay tidhi; “Alla waa Najiib,” Kadibna dhunkasho iyo gacmaha oo dhinacyada la isu weydaarsaday ayaa dhacday, Luul waxay goob-joog ka ahayd markii uu Cali Suudaani xusay magaca Caasha Sheerii iyo sidii ay laabta iyo dhunkashada isula heleen Najiib iyo Caasha.
Runtii Najiib wuxuu ka war-helay in Caasha, Luul, Cali Suudaani iyo isaga oo ay qol qudha ku wada jiraan. Hase yeeshee, ma jirin ama kumuu talogelin inuu joojiyo qof kalgacayl salaamay. Luul inkasta oo ay indhaha ku gubtay Najiib, Caasha iyo Caliba haddana way is fur-furtay si aan loo dareemin, waxaanay ka dalabtay inantii guriga ka shaqaynaysay cabitaankii loo baahnaa. Waxaana is furfurista iyo weji debcinta Luul sababay markii uu Najiib is baray Luul iyo Caasha ee uu xusay in Luul ay tahay xaaskiisa, Caasha Sheeriin ayaa tidhi; “Barasho wanaagsan, dhallinyaro-nimadii ayaanu isku wanaagsanayn Najiib.”
Is waraysi guud iyo sheeko kadib waa la is macasalaameeyay Caasha Sheerii iyo Cali oo la socday, laakiin Luul is-dhunkashadii waxaa kaga sii darnayd markay Caasha Sheerii tidhi, halka aan galo Najiibow waxaa ku soo tusi doona Cali. Najiib caawa booqashada ay guriga ugu timid Caasha Sheerii wuxuu hubay inay kollayba keeni doonto dareen dhinaca Luul ah, waayo wuxuu hadda yaqaanaa inay xaaskiisa Luul tahay qof dabeecad macaan, laakiin leh dareen deg-deg ah oo qoonsi waxyaabaha qaarkii, wuu is ogyahay hadda Najiib inuu daacad u yahay xaaskiisa Luul, laakiin wuxuu arkaa inay fasir badan uga baahan doonto dhinaca Luul, sidii uu ugu qancin lahaa arrintaa. Waxaanu hoos ahaan Najiib u yidhi; “Ma naagtii Luul ee ka biyo-diiday taswiir ku jirta Album, oo indhaheeda nagu arkaysay aniga iyo Caasha Sheerii oo isku maran, Allow sahal…”
Najiib kamay raagin inuu dareemo is-beddelka ay ku keentay Luul booqashadii ay gurigooda ku timid Caasha Sheerii. Laakiin wuxuu goostay inaanu isagu furin hadal aanu jawaabo badan u heli Karin, haddii uu u helana uu hubo inaanay qancin doonin. Toddobaad kala aamusnaan ah kadib wuxuu galabtii dambe yimid Najiib gurigii oo aanay joogin Luul iyo inankiisii yaraa, markii uu weydiiyay inantii guriga joogtayna waxay u sheegtay in ay qaadatay shandadeedii iyo inankiiba oo ay gurigoodii tagtay. Najiib wuxuu fahmay in cadho ka timid arrin uu ogyahay oo ay Luul kaga maqan tahay guriga. Habeenadii xigay Najiib wuxuu isku dayay inay Luul soo noqoto isaga oo isagu si toosa ula hadlay dhowr jeerna, dhinacyo kalena u adeegsaday, si ay laqdabo arrintaas uga galaan. Dhammaan isku-day walba oo loola tegay Luul in ay ku noqoto gurigeedii waxay natiijadu noqotay Luul oo diiday in ay go’aankeeda hadda wax ka beddesho. Cawo Raabi oo ah Najiib hooyadii, markii ay u dhaba-gashay sababta keentay dudmada Luul, waxay ogaatay in naag la socotay Cali Suudaani ay fidmadaasi ka bilaabantay.
Mooge Asraar oo arrintaa isku dayay inuu xalliyo, ugumuu guulaysan sidii uu ugu guulaystay arrinta Najiib iyo Luul markii ay is guursanayeen, waxaanay isaga iyo xaaskiisa Siraad Sugaal ay ku la taliyey Najiib iyo reer Xaaji Caliba, bal in waxoogaa la daayo Luul inta ay soo cadho burburayso oo ay iska joogto guriga reerkooda.
Luul intii ay dudmada kaga maqnayd gurigeedii, waxay la kulantay tiro badan oo rag haasaawe-tag ah oo inta badan la kulmay iyada oo dano ay leedahay ugu baxday Faras-magaalaha Hargeysa, qaar ka mid ah ragga la haasaaway Luul marka ay runta uga sheegtay xaaladdeeda in ay tahay xaas oo ay carruurna leedahay, waxaa dhacday in ay ka rumaysan waayeen.
Luul ninkeedii Najiib ee ay jeclayd waxay dhinaceeda ku qortay khaayin jacayl, iyada oo uu qalbigeeda qaybtii uu ku jiray jacaylka Najiib ay gashay xumaan ka dhalatay kulankii Caasha Sheerii iyo Najiib ee gurigeeda. Luul way is hubtaa inay qurux ahaan tahay mid ka soo mudh-baxday haweenka xilligan nool, raali-gelin iyo rabitaana kamay hagran Najiib, sababahaas dartood, way liqi kari weyday wixii horteeda ka dhacay, iyada oo u fahamtay inuu ahaa barnaamij qancin ah oo ay soo diyaariyeen Najiib iyo saaxiibadii. Laakiin shaki kagamuu jirin Luul inay heli karto nin ka heer sarreeya Najiib, waayo waxay aragtay rag badan oo u heelan muddada gaaban ee ay ka soo maqnayd gurigeeda.
Rajadii ahayd inay Luul ku soo noqoto gurigeeda waxay luntay markii uu Najiib arkay Luul oo la socota Jamaal Bad-maax oo ah nin ay sheeko-wadaag yeesheen intii ay arrintoodu xumayd. Runtii xilliga uu Najiib arkay Luul oo gaadhiga Jamaal la socota, Luul qudheedu way arkaysay, laakiin diyaar bay u ahayd wax wal oo ay arrintaasi keenayso, waayo Jamaal wuxuu ahaa haasaawiye hadal macaan oo ay Luul ka heshay jewi ilowsiiya dhacdo qalbigeedu uu dhibaato u arkay oo ah arrinta ka keentay gurigeedii. Najiib wuxuu gaadhay go’aan deg-deg ah oo uu aabihii kala tashaday, waxaana la isla gartay markii ay Xaaji, Mooge Asraar iyo Goohe arrintii wada gorfeeyeen in uu Najiib warqadda siiyo Luul. Sidaas ayaanay arrintaasi ku dhammaatay, waxaa kaloo go’aanka ku jiray in Rooble Najiib ay gacanta ku hayso hooyadii Luul, iyada oo intaas loogu daray in Luul gacanta laga geliyay gurigii ay ku noolaayeen reer Najiib.
Lasoco……….
Dil-Dilaacii Ubixii Dhiigga Iyo Kacaankii Dhergiga
Buug Cusub Oo Ka Hadlaya Kacaankii Mingiste 1974-1991
G |
aadhi Fokas-waageen ah oo uu marsan yahay rinji buluug ahi ayaa albaabka madaxtooyada horjoogay, waxaana gaadhigaa waday Kornayl Daani’al.
Boqorku markaa waxa uu ka soo degayey jaranjarada dhismaha, dabadeedna askari joogay albaabka ayaa si firfircoon boqorka uga furay daaqidii gaadhiga, waxaana boqorka daba socday shaqaalihiisa intii ka bad-baaday duufaankii socdey intii u dhaxaysay dhamaadkii Julay ilaa bilowgii Sabtembar, laakiin shaqaalaha boqorka daba socdey waxa wejiyadooda ka muuqday yabaal iyo murugo. Shaqaalahaa qaarkood way ooyayeen, qaarkoodna gacmaha ayey duubteen oo way foorareen, balse boqorku wuu iska deganaa.
Boqorku maalintaa ka hor waxa caado u ahaan jirtey inuu raaco baabuur Mershandiis ah, laakiin sababta uu maalintaa u raacay Fokos-waageenka iyo waxa uu dareemay cid fahamsanayd may jirin. “Taydu haba noqotee idinku maxaad ku dambayn doontaan”ayuu ku lahaa shaqaalihiisa. Laakiin waxa intaa dheeraa maxay dareemayeen askartii boqorka daaqadda gaadhiga ka furtay ee dejinaysay, isaguse muxuu ka fahamsanaa dhimashadiisa, sidee baase loo dareemayey xaaladda.
Taliye No.3 12-kii Sabtembar 1974-kii ayaa koox ka tirsanayd ururka Dhergiga oo ay tiradoodu ahayd 17 xubnood loo diray madaxtooyada, waxaana kooxdaa la faray inay boqorka u sheegaan in taladii laga qaaday. Kooxdaas oo aan ka mid ahaa waxaanu dhamaantayo wada sidanay qoryaha AK47 nooca loo yaqaan dabalaabka. Laakiin habeenimadii intii aanu waagu beryin ayaa madaxtooyada lagu wareejiyey ilaa 4 kaare si ay u ilaaliyaan. Sidaa darteed habeenkaa hadii ay xaaladdu xumaan lahayd intayadii meesha loo diray ee la yidhi boqorka xilka ka soo qaada ma jirin wax noo diyaar ahaa, iminka marka aan xusuusto halista ay hawshaasi lahayd aad u yaabaa, balse xiligaa waxba ila ay ahayn.
Waxaanu ka fekeray, isla markaana aanu codsanay inuu na raaco oo nalagu daro nin la yidhaahdo Ras Imiru, ninkaas oo boqorka ku dhodhowaa, saaxiibna ay ahaan jireen, isla markaana ay meel ku soo wada koreen, taasna waxaanu uga dan lahayn si xataa hadii uu boqorku idinku gacan saydho marka aad tidhaahdaan taladii waa lagaa qaaday uu ugu qanciyo inuu sidaa iska yeelo oo uu si sharaf leh isaga aqbalo, maadaama ay tahay arin aan laga hadhayn ama la daynayn. Hase yeeshee Ras Miru markiisa horeba wuu ka duwanaa kuwii kale ee boqorka la talin jirey, waayo waxa uu mar walba u sheegi jirey inuu xaaladda wax ka bedelo, laakiin boqorku muu jeclayn cidda uu hadaladaas oo kale ka maqlo ama ku tidhaahda sidaa yeel. Sidaa darteed boqorku marba dal ayuu Ras Miru safiir uga dhigi jirey oo uu iskaga masaafurin jirey. Tusaale ahaan Ras Miru mar uu safiir ka ahaa dalka Ingiriiska waxay isaga iyo nin kale oo la odhan jirey Yilma Darase soo jeediyeen qoddobo ay doonayeen in sharciga Itoobiya lagu maamulo lagu daro iyo sharciga laftiisa la cusboonaysiiyo, laakiin taa cid ka dhegaysata may helin.
Maalinta boqorka la dilayey anaga oo madaxtooyada hor hoganayna oo sugayna niman weriyaal ah oo imanayey, dabadeedna Ras Miru oo anaga nala hadlaya ayaa yidhi “Inamadaydiiyow ma aragtaan waxa dhacaya, hadii uu maalintii maqli lahaa wixii aanu ku lahayn, waxaasi may dhaceen maanta, laakiin waan ka xumahay waxa maanta dhacaya”.
Nimankii weriyayaasha ahaa sidii aanu u sugaynay ayey sagalkii aroornimo gaadhay, dabadeedna waanu raagsanay, xaaladayaduna waxay gaadhay inaanaan waqti dambe sugi karin, waxaanuna iswaydiinay maxay sidaasi ku dhacday oo ay maanta isaga dhega marayaan inay fuliyaan amarkii cuslaa ee la siiyey. Intaa markii aanu is nidhi ayaanu telefoon kula hadalay idaacadda iyo telefishinka oo aanu waydiinay sababta ay weriyayaashii u iman waayeen madaxtooyada laga sugayo, laakiin waxa naloo sheegay inaanay cidiba u sheegin inay madaxtooyada yimaadaan, sababtuna waxay ahayd ninkii loo diray inuu weriyayaasha inuu taa ogaysiiyo ayaa isaga oo aan waxba u sheegin gurigiisa iska qabtay. Waqtigaasi waxa uu ahaa wareer ah, waxaanuna u sheegnay inay weriyayaashu si degdeg ah u yimaadaan madaxtooyada, dabadeedna markiiba iyaga oo yaacaya ayey weriyayaashii na soo galeen, markii ay noo yimaadeena miridh gudihii ayey rakibteen kamaradihii iyo qalabkii ay siteen, taas oo ay si degdeg wax walba u diyaarsadeen.
Maalintaasi may ahayn maalintii iigu horaysay ee aan boqorka bidhaantiisa arko ee kacaanka ka hor ayaan arki jirey, waxaana muuqaalkiisa sheedda ka arki jirey mararka uu xarumaha ciidamada booqashada ku yimaado, xiliyadaana markasta oo aanu fariin uga sidno dhinaca Dhergiga qaderintii uu lahaa marna may dhici jirin inaanu wax ka dhino, sidoo kalena markii maamulka laga qaaday laftigeeda sidii aanu u qaderin jirey markii hore ayuun baanu u qaderin jirey.
!7-ka nin ee ay Dhergigu fariinta u soo dhiibeen markii naloo sheegay inuu boqorku soo degayo mar dhow ayaan anigu raggii ila socdey dhinac walba iska mariyey lix nin, taas oo aniguna dhexda u galay, meeshaasina waxay ahayd hoolka madaxtooyada ku yaal ee la yidhaahdo Sufaan. Boqorkii wuu soo degay, wuxuuna ku fadhiistay kursigiisii, dabadeedna intaan salaan siiyey ayaan hal talaabo xagiisa u qaaday, waxaana aniga oo taagan akhriyey qoraalkii ay ii soo dhiibeen Dhergigu, qoraalkaasna markii aan dhameeyey ayaan hal talaabo dib u baxay oo aan kooxdaydii is barbar taagay. Qoraalkaas oo loogu sheegayey in boqorka laga qaaday taladii maamul ee uu dalka ka hayey, kama uu badnayn laba ilaa saddex sadar oo qudha.
La soco cadadka dambe ……
Gool-haye David Seaman
Gool-hayaha England, David Seaman ee eriga ku jira ayaan weli go’aan ka gaadhin inuu mustaqbalka ka fadhiisanayo ciyaaraha iyo inkale.
39-jirka Seaman wuxuu ku eedaysan yahay dhaqankii uu sida sanamka iskaga taagnaa ee ciyaartii Arbacadii ay kooxda England la yeelatay kooxda Macedonia, oo uu gool toosa oo laga soo laaday koone si fudud uga dhaliyay Artin Sakiri. Sidoo kale, qayru-mas’uulnimada lagu eedaynayo Seaman waxay u bilaabantay si aan toos ahayn ciyaartii ay wada yeesheen Brazil kooxda England koobkii adduunka ee sannadkan.
Eedaymahaas ayaa keenay in lagu dhawaaqo soo jeedin ah in uu ciyaaraha caalamiga ah iskaga fadhiisto.
Wargeysyada ayaa qoray Seaman oo leh waxaan ku faraxsanahay inaan ciyaaraha sii wato, laakiin war uu soo saaray naadigiisu ayaa waxba kama jiraan ka dhigay warkaa uu qoray Seaman.
Warka ka soo baxay naadiga Arsenal ee diiday ereyada lagu qoray jaraa’idka ee David Seaman wuxuu ahaa war sheeagy in sheekada ay ka qoreen jaraa’idku David Seaman ay ahayd waraysi hore oo laga qaaday Seaman waqtigii ka dambaysay koobkii adduunka, ee aanu ahayn waraysi uu hadda bixiyay David Seaman.
Si toos ah ilaa hadda si cad ugamuu warramin David Seaman qorshihiisa mustaqbal ee ciyaaraha tan iyo wixii ka dambayeeyay ciyaartii Arbacadii ee Macedonia oo ay bilaabantay eedaynta loo door-biday inuu iskaga nasto ciyaaraha.
Dhaawacii gaadhay Van nistelrooy
Ruud van Nistelrooy ayay kooxdiisu u door-biday in aanu safan ciyaarta maalinta Arbacada ah ee soo socota ee ay kooxdiisa Manchester United la yeelan doonto kooxda Olympiakos, kadib markii uu xannuunkii kaga yimid dhaawac hore ugu gaadhay ciyaaraha aanu ka soo kaban.
Weeraryahankan reer Holland, wuxuuna hore ugu safan saddex ciyaarood kooxda Man. United, oo ahaa kuwii ugu dambeeyay ee kooxdaasi ay ciyaartay. Waxaa kale oo aanu safan ciyaartii isreeb-reebka koobka Yurub ee 2004 oo ay kooxda dalkiisa Holland la yeelatay kooxda Austria, Arbacadii ugu dambaysay.
Alex Ferguson oo ah tabobaraha kooxda Man. United oo ka hadlayay arrinta Van Nistelrooy, ayaa sheegay in aanu u safanayn ciyaarta Arbacada, laakiin uu ku rajo weyn yahay inuu ciyaaro ciyaartoyga Nicky Butt. Sidaa wuxuu Alex Ferguson ugu warramay TV-ga MU, isaga oo ka hadlaya dhaawaca jilibka ka gaadhay Van Nistelrooy ee uu ciyaarta uga fadhiyo, wuxuu yidhi Alex Ferguson; “Marka aad is tidhaa ciyaar isaga oo jilibku ku xanuunayo, ma aha arrin sahlan, waxaanu doonaynaa in uu bogsado nabarku oo uu ku soo noqdo ciyaaraha si uu u ciyaari karo waqtiga ciyaarta oo dhan.”
Weli ma kala cadda in kooxda Manchester ay nasintan ugu talogashay ciyaartoygooda reer Holland Mr. Van, inuu ku bogsado iyo in loo diyaarinayo qalliin, si uu jilibkaasi u bogsado.
Marka uu ka fadhiyo kooxda Man. United weeraryahanka Nistelrooy, waxaa u safan doona kooxdaas labada weeraryahan ee uu aqoonsan yahay tabobaraha Manchester, Sir Alex oo kala ah Ole Gunner Solskjear iyo Diego Forlan.
Markii ugu horraysay waxaa jilibka ay jugi kaga dhacday Ruud Van Nistelrooy ciyaartii ay kooxdiisu la ciyaartay Bayern Leverkusen ee bishii September.
Ciyaaraha Isbayn iyo Talyaaniga
Kooxda Real Madrid ayaa la kulantay guul-darradeedii ugu horraysay ee laga badiyo, kadib markii ay 2-0 kaga badisay kooxda Racing Santander.
Kooxda Real Madrid waxaa ka maqnaa Luis Figo iyo Raul, waxaana labada gool u kala dhaliyay kooxda Racing Santander weeraryahanka reer Uruguay ee Mario Regueiro iyo Pedro Munits oo hore ugu ciyaari jiray kooxda R. Madrid oo isna goolka labaad ka dhaliyay kooxdiisii hore. Dhinaca kale, kooxda Villa Real ayaa iyaguna guushoodii ciyaareed ee ugu horraysay kaga adkaaday kooxda Deportivo La Coruna.
Isal ciyaaraha Isbayn, waxaa barbaro noqday Atletico Madrid iyo Valencia (1-1).
Christian Vieri ayaa ciyaaraha Talyaaniga la dabbaashay kooxdiisa Inter Milan, kadib markii uu u dhaliyay goolkii ay barbaraha kula noqotay kooxda Juventus oo ay ku kala baxeen 1-1. Goolka juventus ay dhalisay ciyaarta ay la yeelatay Inter, waxaa u dhaliyay Alessandro Del Pioro.
Inter Milan oo ugu koraysa ciyaaraha kooxaha Serie A ee Talyaanigu waxay saddex dhibcood ka horraysaa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee AC Milan. Kooxda Juventus oo haysata horyaalnimada Talyaaniga ayaa iyada hadda ay kaalinta saddexaad ku wada jiraan kooxda As Roma.
Kooxda Roma ayaa ugu itaal-sheegatay 3-1 kooxda Empoli. Daqiiqaddii 31aad ee ciyaartaas ayuu Emerson u dhaliyay kooxda Roma goolka ay ku hormartay, 3 daqiiqadood kadibna Candela ayaa goolkii labaad u dhaliyay, daqiiqaddii 76aad ayuu u dhashay goolka qudha ee ay dhalisay kooxda Empoli, waxaana dhaliyay Antonia De Natale, daqiiqaddii 90-aad ee dhammaadka ciyaarta waxaa goolkii 3aad ee kooxda As Roma dhaliyay Damiano Tommasi.