Haatuf News

Kulan dhexmaray guddiga doorashooyinka iyo guddiga golaha wakiilada

G

uddiga shuruucda ee golaha wakiilada ee Somaliland iyo guddiga doorashooyinka qaranka ee Somaliland ayaa shalay kulan shaqo ah ku yeeshay xarunta golaha wakiilada ee Somaliland.

Guddoomiyaha guddiga shuruucda ee Somaliland Md. Faysal Axmed Maxamed oo shirkaas kadib saxaafadda uga warramay kulankaas ayaa yidhi; “Waatii guddiga doorashooyinka qaranka looga yeedhay golaha wakiilada, markaa guddiga ayaa codsi samaysay ah xeerkii doorashooyinka ee hore loo ansixiyay in aanu meelo badan oo uu mad-madow kaga jiro in aanu u iftiimino, markaa taas oo keentay kulankan waxaanay noo sheegaan hal alla halkii uu mad-madow kaga jiray, anaguna wixii aanu u arkaynay in ay ka maqan tahay iyo meelo aanay weli taaban oo noqon kara cillado beri ku soo bixi kara ayaanu u gudbinay anaguna, iyagu wixii mad-madow ku jiro ayay noo soo gudbiyeen, anaguna wixii loo baahan yahay in la qabto ayaanu u gudbinay.”

Mudane Faysal oo ka jawaabay qaabka ay doorashooyinku uga dhacayaan Hargeysa ayaa yidhi; “Horta taa xeerkii gaarka ahaa ee caasimadda ee aanu wasaaradda arrimaha Gudaha u gudbinay inay soo saarto. Waxaad moodaa in weli wasaaraddii arrimaha guduhu aanay soo saarin, waqtigiina wuu is gurayaa, guddigii doorashooyinku waxay noo sheegeen in ay soo saareen guddiyadii doorashada, taas oo ay sababtu tahay waqtiga oo socda iyo wasaaraddii arrimaha gudaha oo jawaab ka bixin weyday, markaa Hargeysa degmo ahaan ayay ku dhawaaqeen iyaku maanta, laakiin waa su’aal weli taagan in wasaaradda arrimaha guduhu ay ka jawaabto taas iyadu waxay ula raagtay.”

Mudane Faysal oo sii wada erayo uu kaga jawaabayay arrinta qaabka ay doorashooyinku kaga dhacayaan Hargeysa, waxaa kale oo uu yidhi; “Horta waxa weeyaan haddii sharciga dalka u yaala ama qawaaniinta dalkani isagu leeyahay, sharcigana meel ayaa laga dejiyaa, qaybina way fulisaa, qaybna sharcigay dejisaa, markaa haddii ayna hay’ad waliba waajibaadka saran aanay ka bixi weydo waxay u taalaa qaranka in tallaabada ku habboon laga qaado, waaxda fulinta madaxweynaha guddoomiye u ah, anagu sharcigii aanu dejinaba waxaanu u gudbinaa waaxda fuilnta, oo dee wasaarado ka kooban iyaduna, markaa wasaaraddu xilkeeda ka soo bixi weyda maadaama doorashadii la isku canaanayo maxay u dhici la’dahay, haddii waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa kolba hoos loo hayo, dee cidii hoos u haysa ee dib u dhigaysa wax berrito la isku canaanan doono ayay noqonaysaa. Waxaan qabaa inay xilkii wasaaradda arrimaha gudaha tahay, anagu arrintaa golaha waanu horgeynaynaa. Wasaaradda arrimaha guduhu xilkii looga baahnaa inaanay ka soo bixin oo aanay caasimaddii xeerba u samayn, waana inagu ceeb maanta inaga oo jamhuuriyadda Somaliland maanta ah, dastuurna leh in caasimaddeenu degmo noqoto. Waxaad moodaa inay u eg tahay qaabkii hore, waxa weeyi Hargeysi degmay ku qornayd markii aynu Somaliya ahayn, maanta dastuurku wuxuu sheegayaa waa caasimad, xeer gaara haloo sameeyo ayaa la yidhi, xeerkaa gaarka ahaa haddii loo samayn waayo cidda arrinta iyada ah tallaabadeeda qaadi weyday waa loo raacayaabaan qabaa, goluhuna go’aan buu ka gaadhi doonaa, guddi ahaana anagu waanu geynaynaa golaha haddii aanu nahay guddigii shuruucda.

Guddoomiyihii ugu horreeyay ee guddiga doorashooyinka haddana ah guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka qaranka mudane C/laahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa kulankaas kadib ka warramay qaabka ay u magacaabeen guddiga doorashooyinka ee Hargeysa, waxaanu yidhi; “Waxaanu magacownay maanta guddigii doorashada caasimadda ee degmada Hargeysa oo marka hore loogu talogalay in xeer loo soo sameeyo caasimadda oo aanu markii hore ka reebnay magacaabista guddiyada. Runtii way suurtogeli wayday xeerkii in la soo saaro oo kumishinkii haddaanu nahay waa la noo keeni waayay, waqtigiina wuu is gurayaa, bisha 31keedii liisaskii in la qabto guddiyada doorashada ee degaanada, markaa dantu waxay nagu qasabtay in aanu xeerkii aanu haysanay ee doorashada oo markaa Hargeysa inay degmo tahay 25(shan iyo labaatan) xubnood in laga dooranayo sugayay in aanu kii ku dhaqano. Markaa waxaanu maanta dhisnay guddigii doorashada ee degmada Hargeysa isla hawshii caasimaddana qabanaya, waxaa soo raacaya oo guddigaa doorashada hoos imanaya degmooyinkii la magacaabay dhowaan ee aan iyaga laga dooranayn koonsolada (Councils), ama guddiyada aan laga dooranayn hadda oo ay sida degmada Fara-weyne, degmada Sabo-wanaag, Degmada Cadaadlay iyo degmada Daar-salaam, kuwaasina waxay soo raacayaan doorashada deegaanka Hargeysa, waxaa kale oo aan iyagana isbeddel ku samaynay guddigii doorashada ee gobolka, oo guddoomiyihii hore uu cudur-daar keenay duruufo awgeed in looga beddelay, waxaana la magacaabay guddoomiye cusub oo aan ku magacownay guddiga degmada, guddiga caasimadda Hargeysa guddoomiye u noqonaya, magacyada guddiga doorashada ee loo magacaabay gobolka Hargeysa waxay kala yihiin;

1.       Ibraahim Nuur Garow Gobolka Hargeysa (Guddoomiye)

2.       C/Raxmaan Maxamed Cige (Guddoomiye) Degmada Hargeysa iyo Caasimadda

3.       Axmed Cabdillaahi Dirir (G/K/Xigeen Hubiyena Ah)

4.       Baashe Diiriye Xirsi (Xoghaye)

5.       Axmed Cabdillaahi Cilmi Oo Ah Hubiye

6.       C/Laahi Cilmi Nuur (Tiriye)

7.       Kiin Cali Faarax (Tiriye).

Dhinaca wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha Gudaha Cabdi Cali Mahdi oo arrintaa ka hadlayay xalay ayaa yidhi; “Xeer dee anigu ka warrami maayo, laakiin halkuu ku raad leeyahay ayaan kuu sheegayaa shalay ayuu wasiirku u xil-saaray Axmed Jaambiir oo ah agaasime waaxeed iyo Ismaaciil oo isaguna waax ka madax ah, labadaa Nin ayaa lagala xidhiidhayaa.”

Md. Cabdi Cali Mahdi oo ka jawaabayay su’aal ahayd maxay hawshan ay hore wasaaraddu ugu qaban weyday ayaa ku jawaabay; “War uma hayo, wasiir ku xigeenku wixii loo igmado ayuun buu dee isagu qabtaa, xeerkana dee hore la iguma igman la iimana sheegin, anigu hawsha uu wasiirku ii igmado ayuun baan qabtaa.”

Quruxdeedaa sababtay

I

nkasta oo aanay Luul sidii meherkeedii hore aanay eheladeeda ka dalban inay yimaadaan xafladda loogu meherinayo Jamaal Bad-maax maanta, haddana hugun fooladayn, hambalyo, ciyaaro iyo dad ka soo qaybgalay intuba kumay yarayn kuwii ka soo qaybgalay xafladdii hore ee meherkeeda Luul ka soo qaybgalay, laakiin doorkan Luul sidii inta badan meel may fadhiyin ee waxay ka qaybqaadanaysay mararka qaar maamulka hawsha gurigooda ka socday, markii ay raggii kala food-qaadeen, sheekhiina u dhammeeyay hawshii ee Haybe Dhimbiil iyo odayaashii ka socday Jamaal Bad-maaxna ay amba-baxeen ayuu Goohana u sheegay odayaashii hawsha la galay inay isu raacaan xagga faras-magaalaha Hargeysa, si ay haweenka soo hambalyeeyay reer Goohe uga bogtaan ciyaaro iyo bogaadin wixii ay ugu soo talogaleen Luul.

Haybe Dhimbiil wuxuu u diray warqaddii meherka oo ku turjuban Carabi dhinaca Jamaal Bad-maax arrintaas oo aad u raaligelisay Jamaal, uuna uga mahad-celiyay adeerkii Haybe sida uu uga soo dhalaalay hawshii uu u xil-saaray. Haybe dhinaciisa wuxuu ku dar-daaray inuu ku faro-adaygo reerkaa u dhismay Jamaal, isaga oo si gaar ah uga dar-daaray dadka warka u kala qaada dadka qoyska ah ee aan markaa isku meesha ku noolayn. Laakiin inkastuu Jamaal waayahay adeer taladaa kaga jawaabay, haddana in uu arrintaa ka tabaabushaystay oo si aan war iyo wax sheeg u soo gelin in uu si deg-deg ah u kaxaysanayo Luul oo horeba sharcigii ay ku dhoofi lahayd uu u diyaariyay. Sidaas ayay warkoodii ku dhammaysteen Jamaal iyo Haybe.

Luul waxaa sii gelbiyay hooyadeed Quman Sugaal iyo Siraad Sugaal oo habar-yarteed ah, waxaanay u sii raaceen ilaa Djibouti intii ay dhoofaysay ilaa magaalada Jeddah ee Sucuudiga.

Jamaal waxay u ahayd maalin weyn oo wanaagsan, markii ay Luul gaadhay Jeddah iyada oo nabad-qabta, waxaanay labadooduba si wanaagsan u qaabileen toddobaadyo xiiso leh oo isugu jira xaflad Aroos iyo dalxiisyo, iyada oo uu Jamaal inta badan uu uga warramayay qaabka loogu nool yahay dalkaas iyo gaar ahaan tarbiyadaha u gaarka ah haweenka ee looga baahan yahay in Luul ku dhaqanto. Arooskii kadib Jamaal marka uu shaqo tago wuxuu kula soo xidhiidhaa Luul telefoonka si uu u ogaado haddii ay jiraan wax ay u baahan tahay.

Hadda Luul wxay inta badan is arkaan ninkeeda Jamaal iyo inan u shaqaysa, ma jiro asxaab iyo booqashooyin ka baxsan gurigeeda. Waxay Luul hadda weheshataa daawashada cajaladaha fiidyowga, dhegaysiga cajaladaha rikoodhka iyo mar telefoon looga soo diro Hargeysa.

Jamaal inta shaqada uu ku maqan yahay marka laga reebo inta kale wuxuu ku sugan yahay gurigiisa, isaga oo isku daya in aan Luul dareemin qalo iyo cidlo, waxaanu Jamaal isku dayaa in ay Luul dareento in ay timid magaalo iyo wadan ka horumarsan halkii ay ka timid, laakiin Luul waxay suntida u haysaa in aanay jirin meel ka wanaagsan Hargeysa, marka loo eego hawada iyo cimilada Eebe ku manaystay. Luul uma muuqdaan jidadka baaxadda weyn leh iyo daaraha dhaadheer ee Jiddah, waxaanay tabaysaa aqoontii dadkii ku noolaa magaaladii ay u dhalatay iyo xorriyaddii cabsi la’aaneed ee ay u dhexmari jirtay mararka qaar markuu kaftanka iyada ninkeedu sii kululaado waxay tidhaa; “Jiddana maahee jeelkan waxaa I keenay Jamaalow jacaylkaaga, haddiise aan hore u arki lahaa, imaatin iska daayee igumaad soo karteen.” Jamaal marka Luul hadalkeedu sidaa u kululaado wuxuu jewiga u beddelaa isaga oo yidhaa; “Maxaa kaa maqan Luul, sownigan ku leh ha dhicin, ha jabin, ee ku kool-koolinaya.” Luul jawaab saxa uma hayso oo ay soo hordhigto ninkeeda, laakiin waxay tabaysaa nolol ka furfuran tan ay hadda ku nooshahay oo ka bulshaysnayd. Doodihii ay Luul kula dooday Jamaal waxaa ka mid ahaa iyada oo tidhi; “Jamaaloow adiga waynu is baranay, laakiin aqoon hore umaan lahayn magaaladan Jeddah ee aad ku nooshahay, intaas ayuun baan ka hadlayaa.”

Sheekadii waxaa ka soo dhexgalay Jamaal iyo Luul, Abiib Goohe oo Luul walaalkeed ah oo telefoon uga soo diray Maraykanka. Ugu horrayntii wuu salaamay, kadibna Luul ayaa is bartay oo tidhi walaal ninkaygii ayaa ila fadhiya oo ku salaamaya ee waakan, Jamaal iyo Abiib salaan iyo is-nabdaadin seedinimo kamay badnaan hadal is-weydaarsigoodu, waxaana telefoonkii dib u qabsatay Luul oo uu walaalkeed siiyay telefoonkiisa cusub si ay ula xidhiidho.

Jamaal asxaabtii joogtay arooskiisii Jeddah ka dhacay waxay ugu hambalyeeyeen sida uu u soo xushay Luul oo ay kala aragti noqdeen markii ay arkeen inay leedahay muuqaal inaneed oo aragtidiisu ay inta badan keeni karta in raggu xaggeeda indhaha la raacaan. Jamaal muu dhiirigelin jirin in uu asxaabtiisu u raacaan guriga, waxaanu ku doodi jiray in iyada oo arrin adagi jirto mooyee ay guryuhu yihiin goobo nasasho oo u gaar ah qoyska is qaba. Dhinaca kale Jamaal muu doonayn cid guriga joogta oo fursadaha ka lumisa dhinaca laba-liska jacaylkiisa ugub ee isaga iyo Luul oo uu hadda u qabo hammuun aan kala go’ lahayn.

10 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Israel

Q

udus (W.Wararka) -  Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay ilaa 10-kalena way ku dhaawacmeen markii uu qarax ka dhacay degmo Yuhuuda la dejiyay oo ku taala daanta galbeed ee webiga Urdun. Qaraxa oo lala beegsaday kaalin shidaalka laga qaato oo ku taalay agagaarka degmadaasi waxa la sheegay in dadka wax ku noqday ay u badan yihiin ciidamo saarnaa gaadhi goobtaai ka qaadanayay shidaal. Waxa kale oo hawlgalkaa ku dhintay laba Falastiiniyiin ah oo fuliyay hawlgalkan is-biimaynta ah.

Dawladda Israel ayaa qaraxan dusha ka saartay maamulka Falastiiniyiinta oo ay ku eedeeyeen in aanay qaadin tallabooyin lagula dagaalamayo argagixisada.

Xukuumadda Israel ayaana yeelanaysa kulan deg-deg ah oo ay kaga arrinsanayaan tallaabadii ku habboonayd ee ay ka qaadi lahaayeen aargoosiga arrintan. Waxaana la filayaa inay dhimashada dadka wax ku noqday qaraxani ay sii korodho, iyada oo ay qaar ka ka mid ah dhaawacu halis yihiin, kuwaas oo askar ka tirsan ciidanka Israel.

Dhacdadani waxa ay ka dambaysay markii uu qarax kanoo kale ahi ka dhacay degmo ku dhaw caasimadda Israel oo ay ku dhinteen ilaa 14 qof, tobanaan kalena ku dhaawacmeen.

Xaaladda ururada siyaasadda

I

ntii aan al-baabada loo furin nidaamka xisbiyada badan inka badan afar sannadood mucaaradka keliya ee abaabulan ee dawladda ka soo horjeeday waxa uu ahaa kooxdii la magac baxday dib-uhabaynta SNM oo ay ku bahoobeen rag badan oo ka mid ah hogaamiyayaashii ururka SNM, laakiin markii ay dawladdu kal hore ku dhawaaqday in xisbiyo la furan karo waxa si isdaba joog ah u samaysmay jimciyado iyo ururo yar yar oo tobaneeyo ku dhowaad gaadhayey, basle jimciyadihii u horeeyey ee samaysmay ma sii raad dhaqaajin, waxaana markiiba burburay qaar badan oo jimciyadahaa ka mid ah.

Bilowgiiba ururkii dib-uhabaynta SNM iyo jimciyad la odhan jirey UBSL oo ahayd jimciyaddii u horaysay ee samaysantay ayey qolo waliba goonideeda u kala dilaacday, laakiin raggii labadaa qolo ka kala tirsanaa waxa uu buuradkoodii u kala qaybsamay ururada ASAD iyo SAHAN oo mar ahaa labada urur ee ugu afka dheer mucaaradka, laakiin ururka SAHAN oo ay isku bahaysteen qaar ka mid ah jimciyadihii bilowgii samaysmay iyo kooxo ka soo jabay ururadii dil-dilaacay waxa mar kale saameeyey khilaaf mug leh oo sababay inuu ururkaasi u kala dil-dilaaco garabo, isla markaana ay raggii wada abuuray kala dhaqaaqaan, iyadoo uu Dr. Maxamed Cabdi Gaboose garab la jabay, halka ragii kale qaarkood ku kala biireen qaar ka mid ah ururada siyaasadda ee jira. Tusaale ahaan Cali Maxamed Waran-cadde, Abiib Diiriye (Abiib-Timacade), Ismaaciil Aadan (Ismaaciil-yare) iyo rag kale oo magac leh oo safka hore kaga jirey ururka SAHAN waxay hadda ka dhex-muuqdaan ururka UDUB, sidoo kale rag ay ka mid yihiin Axmed Waysacade waxay iyagana hadda lagu tiriyaa ururka ASAD, iyadoo uu ururka ASAD ka mid yahay ururada ilaa hadda ka bed-qaba khilaafaadka siyaasadda ee ururo dhawr ah curyaamiyey.

Maxamed Xaashi Cilmi oo isna ka mid ahaa ragga ugu mayalka adag ururka SAHAN ayaa mar hore ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba ka tanaasulay inuu ka qayb galo tartanka madaxtinimada ilaa hadana lama oga wax urur ah oo uu ku biiray dil-dilaacii SAHAN ka dib. Sidoo kale rag badan oo kale oo ka mid ah garabka gudoomiyihii hore ee SAHAN, Maxamed Cumar Jiir ayaan ilaa hadda meelna ku ismanayn. Sidaa awgeed ururka SAHAN inkasta oo uu ka mid ahaa 8 urur-siyaasadeed oo ay guddiga diiwaan-gelintu aqoonsadeen, hadana waqtigan xaadirka ah waxay xaaladiisu u egtahay inuu khilaafkaasi galaaftay awoodiisii dhaqdhaqaaq iyo tamartiisii siyaasadeed.

Ururka ILAYS oo ka mid ahaa ururadii samaysmay kal hore ayey isna raggiisii kala dil-dilaaceen, ka dib uu markii khilaafaad hadheeyey, taas oo keentay inay qaybo ka mid ahi ku biiraan ururka HORMOOD, halka qaar kalena ku dhawaaqeen inay jimciyad kale samaysteen, taasina waxay ururka ILAYS-ka badday ducfi siyaasiya oo u muuqda inaanu ka soo kacayn.

Ururka UCID oo isna ka mid ahaa ururadii u horeeyey ee abuurmay, isla markaana intiisa ku fadalo cadaa oo uu dhaqdhaqaaqiisu had iyo goor saaxadda ku badnaa ayaa markii u horaysay toddobaad ka hor khilaaf soo food saaray, ka dib markii ay ka dilaaceen koox uu horkacayo gudoomiyihii gobolka Hargeysa, Xasan Xaydh oo lagu tiring jirey xubnaha ugu shil-shilis ee bud-dhigay ururka UCID iyo inuu weliba intii ururku jireyna ka mid ahaa ragga ugu firfircoon ee masalaha u sida ururka, waxaaana la rumaysan yahay inay Xasan Xaydh iyo kooxdiisii hadda qooranayaan inay ku biiraan ururka BIRSOL oo uu dhowaan ku soo biiray siyaasiga caanka ah Cumar Carte Qaalib, iyadoo ay xubnaha ururka BIRSOL iyo weliba dad kale oo badaniba ku biiridda Cumar Carte ee BIRSOL u arkaan sed-weyn oo u soo kordhay muuqaalka iyo tamarta siyaasadeed ee ururkaa.

Inkasta oo ay hogaamiyayaasha ururka UCID si ba’an ugu nuux-nuuxsadeen inaanu ururkoodu marna u dhutinayn kooxda uu Xasan Xaydh la dilaacay iyo weliba xubno kale oo iyaguna ku andacooday inay ka dilaaceen ururka UCID, hadana waxay dad badan oo arimaha siyaasadda ka faallooda aaminsan yihiin inay taasi koleyba tahay dhukaan shafka kaga muddan caafimaad-qabka iyo tamarta siyaasadeed ee ururka UCID, lagana yaabo inuu saamayn ku yeesho kobcitaankiisa mustaqbalka.

Ururka UMAD oo isna mid ahaa ururadii bilowgii samaysmay ayey guddiga diiwaan-gelintu ka reebeen ururada ay aqoonsadeen inay u safan karaan tartanka doorashada dawladaha hoose, iyaga oo sababtana ku tilmaamay inay tahay itaal daro uu kaga soo bixi kari waayey hawlihii laga rabey, laakiin dhinaca kalena waxa jirtey cadaalad daro ay ku cawdeen hogaanka ururkaasi.

Ururka HORMOOD oo ay ku bahoobeen dad aqoonyahano u badan oo uu miisaankoodu ka soo jeedo kooxdii UFO ayaan iyaguna mudooyinkan dambe u laq-laq badnayn sidii ay bilowgii ahaayeen, taasna inkasta oo ay duruufo kale oo badanina jiraan, hadana ugu yaraan duruufo dhaqaale ayaa la malayn karaa inuu inta badan la dirgan-waayo, iyadoo ay duruufta dhaqaale ka mid tahay waxyaalaha ugu waaweyn ee xayaatadooda caqabadda ku ah, lagana yaabo inay qaar badani u bakhtiyaan.

 Ururka KULMIYE ee uu hogaamiyo siyaasiga, Axmed-Siilaanyo inkasta oo uu yahay ururkii ugu dambeeyey ee abuurma horaantii sannadkan, hadana waxay u muuqataa in mudadii yarayd ee uu jirey uu indoora talaabsaday, isaga oo ururkaasi hadda ka mid ah ururada safka hore kaga jira dhaqdhaqaaqa ololaha siyaasadda, isla markaana ka mid ah ururada mucaaradka ah ee ugu firfircoon. 

Ururka UDUB ee ay ku bahoobeen madaxda sare iyo maamulayaasha dawladdu ayaa inkasta oo ay ururada mucaaradku had iyo goor ku eedeeyaan inuu ku naaxay hantidii iyo awoodii dawladda, hadana marka eedayntaa laga yimaado waxa uu ka mid yahay ururada safka hore ku jira,

Marka laga yimaado ururada durba naafoobay, kuwa weli bed-qaba laftigooda looma wer-wer la’, waxayna dad badani calaamatusu’aal saarayaan waxa ay ku dambayn doonaan ururada curdinka ah ee hadda jiraa, iyadoo looga cabsi qabo inay arimo badan qaar-ba si u saameeyaan. Laakiin marka taa laga yimaado xeel-dheerayaasha arimaha siyaasadda ka faalloodaa waxay leeyihiin waxa lagama maarmaan ah ururada siyaasaddu inay helaan muddo ku fillan oo ay kobcaan si loo helo xisbiyo qaan-gaadh ah oo leh awood siyaasiya iyo wacyi bisil oo ay wax ku hogaamiyaan, waxayna aragtidani ka digaysaa khatarta ka iman karta xadaafiir siyaasadeed oo aan loo bislaynm isla markaana waxay ku talinaysaa in qunyar la talaabsado meelaha jidhaamaha dad-liqa ahna kolba ul la iskaga dayo . Laakiin guud ahaan ma jiro urur keliya oo ka bed-qaba ama ka bed-qabi karaa duruufaha jira.

Marka laga yimaado aragtida leh bud-dhigga nidaamka xisbiyada badan iyo ururada hadda abuurmayba waa inay helaan fursad iyo waqti ay ku qaan-gaadhaan waxa jirta aragti kale oo taa ka duwan, taas oo leh waa inaan nidaamkan haba inagu cusbaadee laga biqin ee degdeg adimada loola galaa, waxayna aragtidani had iyo goor ku talisaa ururada siyaasaddu waa inay curdinka ku biqla bartaan, isla markaana waa inaynu doorashada u horaysa isku tijaabinaa oo uu baqe beenaalaha iyo walaacu meesha ka baxo. Laakiin marka laga yimaado kacaakufka iyo hab-qanka ilaa hadda ka muuqday ururada siyaasadda waxay taasi tusaale fiican u noqon kartaa inay qarba-qarbo jirto iyo inuu tabaabushuhu weli wayd yahay, balse aynu eegno sida ay arimuhu u dhacaan, iyadoo amintii loo cayimay inay qabsoomaan doorashooyinka dawladaha hoose ay ka hadhay 47 maalmood oo qudhi.

Ururka ASAD iyo Boorame

B

oorame (Haatuf): Hogaamiyayaasha urur-siyaasadeedka ASAD ayaa Sabtidii doraad dadka reer Boorame kala hadlay meel fagaare ah, waxayna taasi ka dambaysay markii ay xarunta gobolka Awdal ee Boorame booqasho ku tageen wefti uu hor-kacayo gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), laakiin waxa weftiga gudoomiyaha halkaa uga sii horeeyey gudoomiye-xigeenka ururka ASAD, C/raxmaan Aw-Cali Faarax iyo xubno kale.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar waxa weftiga ururka ASAD magaalada Boorame si balaadhan ugu soo dhoweeyey boqolaal qof oo u badan taageerayaasha ururkooda iyo dadweyne kale, iyadoo ay weftiga jidka kaga horyimaadeen dad iyo gaadiid tiro badani, waxayna weftiga gudoomiyaha ASAD markii ay soo gaadheen magaalada Boorane dadka kala hadleen fagaare ku yaal badhtamaha magaalada, waxaana madaxda ASAD ee halkaa ka hadashay ka mid ahaa gudoomiyahooda, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), wuxuuna Saleebaan ugu horayn dadkaa uga mahad celiyey sidii wayneyd ee ay u soo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ay mustaqbalka xusuusnaan doonaan.

“ASAD ma aha urur-siyaasadeed uu nin iska leeyahay, laakiin waa urur ummaddu leedahay, taladiisuna waxay ka go’daa ummadda”ayuu yidhi gudoomiyaha ASAD, laakiin isaga oo ka waramaya xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhaliilaha muuqda waxa uu yidhi “Gobolka Sool waxa ka taagan saddex calan oo kala ah Somaliland, Puntland iyo Somaliya garaad lagu tagona lama waayine waan loo hawl-gelin”.

Gudoomiyaha ASAD, isaga oo ka hadlaya doorashooyinka iyo duruufaha ku ged-fan wuxuu yidhi “Waxaad ogtihiin in qofkasta oo dalkan amar ka bixin kar oo xukuumadda maanta jirta ahi inuu ka mid yahay ururka UDUB oo ay kuwii foodka tirinayey, kuwii ilaalinayey iyo maxkamaddii go’aanka gaadhaysay ay dhammaantood UDUB yihiin, markaa sidee bay doorasho xalaal ahi u dhici karaysaa”. “Hadii ay doorashooyinku xalaal noqdaan anagu (ASAD) waanu gelaynaa, hadii kale ma gelayno”ayuu hadana yidhi gudoomiyaha ASAD, wuxuuna ugu dambayn dadweynaha reer Awdal ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada iyo nabadgelayda, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarka.

 Gudoomiye-xigeenka 1aad ee ururka ASAD, C/raxmaan Aw-Cali Faarax ayaa isna fagaarahaa ka hadlay, wuxuuna ugu horayn farta ku fiiqay sababaha ay mudooyinka dambe mucaarad ahaan uga aamusnaayeen dhaliilaha muuqda, wuxuuna yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in xaq dhawr la xaq dhawrayo reer Awdal looga aamusnaa dhaliilaha xukuumadda, waxa kale oo aanu xukuumadda iyo madaxweynaha mudada siinaynay talooyin iyo toosin maadaama uu marxuumkii geeriyooday xili xasaasi ah”.

C/raxmaan waxa kale oo uu ka hadlay fekrado qaldan oo ay dadka reer Awdal qaarkood ku hadlaan, wuxuuna yidhi “Reer Awdalow jagada madaxtinimada dalka ee ay qaar leeyihiin waa hadiyad ma aha hadiyad ee Somaliland waad u soo halganteen, ta kale cid madaxtinimada idinku haysataa ma jirto ee dalka idinkaa haysta”, wuxuuna ugu dambayn ku baaqay isku duubni iyo midninmo in lagaga baxo duruufaha jira.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay mudane Garaad oo ka tirsan golaha wakiilada, isla markaana ka mid ah hogaamiyayaasha ururka ASAD iyo xubno kale oo ka mid ah hogaamiyayaasha ASAD, wuxuuna socdaalka weftiga ASAD ee Boorame qayb ka yahay ololaha siyaasadda ee ay waqtigan tartanka madaxtinimada ugu jiraan ururada siyaasadda Somaliland.  

Maayarka Boorame

B

oorame (Haatu): Maayarka Boorame Maxamed Muuse Bah-doon ayaa shalay magaalada Boorame ka furay aqoon iswaydaarsi la xidhiidha sidii ay u wada shaqayn lahaayeen ururada rayidka ah iyo maamulka dawladdu, waxaana aqoon iswaydaarsigaa ka soo qayb galay gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Awdal, madaxda ururada rayidka ah iyo maamulayaal dawladda ah, wuxuuna socon doonaa muddo saddex maalmood ah, iyadoo uu aqoon iswaydaarsigaasi socdo lagu fallan-qayn doono siyaalaha ugu haboon ee ay u wada shaqayn lahaayeen ururada rayidka iyo maamulada dawladdu.

Aqoon iswaydaarsigan oo ay maal-gelinayso hay’adda UNDP waxa kale oo isna munaasibadii furitaanka ka hadlay Mr. Ivano Fugali oo ah sarkaal ka tirsan UNDP, wuxuuna ka hadlay ujeedada aqoon iswaydaarsigan iyo sida loo meel marinayo hirgelinta barnaamijkan, isaga oo sheegay in loo baahan yahay inuu aqoon iswaydaarsigan ka soo baxaan talooyin dhaxal-gal ahi.

Laas-caanood iyo baahiyaha aasaasiga ah

I

nkasta oo ay baahi badani ka jirto xagga adeegyada aasaasiga ah, hadana waxa socda waxoogaayo dhaqdhaqaaq ah oo la xidhiidha dhinaca dib-udhiska.

Hawl miino saar ah ayaa hadda laga wadaa gobolka Sool, waxa kale oo sannadkan dib-udhis lagu sameeyey dugsiga sare ee Laas-caanood, waxaana iskuulka dib-udhiskiisa maalgelisay hay’adda UNHCR, isla markaana waxa magaalada ka furan dugsiyo dhawr ah. Sidoo kalena waxa iskuulo laga dhisay meelo kale oo ka mid ah degaamada gobolka Sool.

Waxa kale oo dhismayaal lagu kordhiyey cusbataalka Laas-caanood oo hadda lagu daray laba qol oo waaweyni iyo weliba dayr lagu wareejiyey. Laakiin dhibaatooyinka ugu darran ee dadka reer laas-caanood haysta waxa ka mid ah biyo xumo, taas oo aanay magaalada helin biyo nadiif, sidaa darteed ay dadku dhibaatooyin badan oo caafimaad daro kala kulmaan biyaha aan saxadoodu wanaagsanayn ee ay dadka Laas-caanood cabaan, iyaga oo ka caba ceelal iyo meelo dur-duro ah oo aanay saxadoodu fiicnayn, taasina waxay keentaa inay dadku xanuuno badan ka qaadaan, iyadoo dhinaca kalena ay guud ahaan ceelashii gobolku ka cabi jireen ay wada fadhiyaan, una baahan yihiin in wax laga qabto.

Magaalada Laas-caanood-na waxay u baahan tahay biyo macaan oo nadiif ah inay dadku helaan si ay uga raystaan biyaha qadhaadha ee aanay saxadoodu wanaagsanayn ee ceelasha afka banaan iyo dur-durada.

Waxa kale oo ay magaalada Laas-caanood iyo guud ahaan degaamada gobolku u baahan yihiin in wax laga qabto adeegyo badan oo danta guud ah. Sidaa darteed dawladda Somaliland iyo hayadaha samafalka caalamiga ah qaarkood, sida UNHCR inkasta oo ay waxoogaa dhaqdhaqaaq ah sameeyeen lixdii bilood ee u dambeeyey hadana waxaan madaxda kala duwan ee hayadaha dawladda iyo hayadaha samafalka caalamiga ah u soo jeedinayaa inay gobolka si mug leh uga hawl-galaan waxna ka qabtaan baahiyaha mudan in wax laga qabto, aniga oo leh hayadaha samafalku waa inay ku dhiiradaan ka hawl-gelidda gobolka.

Mudane C/qaadir Maxamed Xasan (Indho)

Dib u xoreynta ganasiga Somaliland

Sidaynu la socono ganacsigii dalkeenu markii uu burburay ee ay ganacsatadeenu hantidoodii ku waayeen dagaaladii kala dambeeyay ee ka dhacay dalka ganacsigii dalku waxa uu u wareegay dalalka aynu jaarka nahay. Ka dib markii dalalkaas bangiyadoodu u fureen Lc-yo una sheegeen inay u iibgeeyaan Somaliland alaabtaas oo ah kabdado bariis ah balse aanay keenayn wax manaafacaad leh.

Somaliland ganacsigeeda iyo ganacsatadeeduba waxay ku tiirsanyihiin xoolaha nool kuwaas oo berigii hore bangiga dalka Lcga lagu soo furi jiray 53$ ayaa neefkii adhiga ah baanka la soo gelin jiray 33-40$ dibadaa lagu qaadan jiray. Sidaas daraadeed lacagtii adkayd waxay soo geli jirtay wadanka. Sidoo kale marka alaab la soo iibsanayo isla baanka ayuunbaa Lcga laga furi jiray isku soo duuboo halkay maanta dadka muwaadiniintu isticmaalaan xawaalado. Kuwaas oo lacagtii adkayd dib suuqa uga sarifa taas oo ay qaar wax ma garata ahi intay urursadaan ay lacagtii ummada kabdado iyo baco ugu soo bedelaan oo maanta aad arkaysaan halkay marayso ama xoolihii ay ku soo bedeleen intii ka hadhayna laynaysa.

Dhinaca kale waxa xusid mudan dawladda Somaliland ma xukunto xawaaladaha iyo dadka lacagta badan sharci ay ku qabtaana ma hayso. Sidii ay dadku ugu xoreeyeen dalka kabdada qamadiga ahayd dadka dibadda joogaana waxaan ku dardaarayaa inay bangiga dawladda soo dhigaan 100$ ee ay dadkooda usoo dirayaan taas oo ay dawladda lacag adag ku heli karto. Waana in arrintan si qaran looga hadlaa.

Dhinaca Gudoomiyaha rugta Ganacsiga ku meel gaadh buu ahaa sidaa awgeed waa in uu shir isugu yeedhaa si loo doorto gudoomiye cusub.

Yuusuf Cabdi Xandule (Haliil) Hargeysa

Doorta Masuul Xil Qaadi Kara

W

axaan jecelahay in aan ra’yigayga ka dhiibto doorashooyinka inagu soo fool leh haddii ay tahay gole deegaan iyo mid baarlamaan iyo mid Madaxweyne.

Waxayse shacbi weynaha reer Somaliland ay xuseen in siyaasiyiin ay eersan jireen Madaxda hogaamisa, kuwaas oo ay ku eedayn jireen in xilka loo dhiibo qaar aan u qalmin, taasina ay saldhig u tahay musuqa cadaalad darrada, hantida ummada oo la boobo horumar la’aan iyo kuwa la halmaala, waxa kale oo xusid mudan in ay madaxdu ku tartanto falka hantida umada maadaama aan lala xisaabtami jirin balse ay ina soo martay kuwo badan halkii sharciga la hor keeni lahaa la dalacsiiyo ama la amaano.

Haddaba maanta doorashadii waxa ay soo gashay gacanta dadweynaha iyaga ayay u taallaa cida ay dooranayaan waxaynu arkaynaa in ay masraxa musharaxiinta soo fuuleen kuwo ummada danbiyo badan ka soo galay, kuwo waxtarkooda iyo waxtar la’aantood ina soo maray kuwo waxay galaan iyo waxay gudaanba aan ka dharagsanahay dantooda iyo gaar ahaaneed kuwaas oo ku bahaloobay hantida umadooda, sidaa awgeed waxaan Shacbiga reer Somaliland ku dareerayaan oo ay maanta gacantooda aarsadaan ay doortaan doorkan masuuliyiin xul ah oo ka soo baxa ama kasoo bixi kara masuuliyada ay dhiibtaan kuwa ay ku kalsoonyihiin kuwo aan u iman wax dhib wax burburin  isla markaana xalaasha iyo xaaraanta kala garanaya, kuwa cadaalada iyo dulmiga kala garanaya kuwo danyarta u adeega. Oo og dhibaatadii soo martay ka soo bILOw wakhtigii uu Afweyne ina xukumayay iyo aramidii inaga gaadhay ilaa intii ka dambaysay ee ku dhacday Shacbiga. Waxa taas u dheerayd nidaam xumida aan soo sheegay ee doorta dadaw masuul cusub

Axmed Cali Sh. Muxumed Hargeysa

(FA) Hay’adda Slovaka ee kubada cagta oo la filayo in xidhiidhka Kubada cagta ee Yurub uu eedayn u soo jeediyo

Hay’adda maamusha ciyaaraha kubada cagta ee Slovakia (FA) ayaa la filayaa in eedayn ay u soo jeediso xidhiidhka kubada cagta ee Yurub UEFA ka dib markii ay basrin kariwayday taageerayaasha kubada cagta ee Ingiriiska ee ku kaca rabshadaha khatarta ah ciyaartii ka dhacday Slovakia, ee isreeb-reebka koobka Yurub ee 2004.

Xidhiidhka kubada cagta ee Yurub wuxuu rumaysan yahay in ay jiraan cadaymo ku filan oo qaarkood lagu duubay cajaladaha fiidyowga oo hadda gacanta lagu hayo baadhidooda oo ku saabsan qaab-dhaqankii ay ku kaceen taageerayaasha Ingiriisku markii ay dhacaysay ciyaartii ay guushu ku raacday 2-1 Bartislava.

Hay’adda kubadda cagta ee Slovakia (FA) kumay farxin sidii loo la dhaqmay taageerayaasha Ingiriiska ee kubada cagta ee ay ula dhaqmeen masuuliyiinta reer Slovakia, laakiin waxay sugayaan waxa ka soo baxa xidhiidhka kubada cagta ee Yurub inta aanay ka bixin jawaab rasmi ah.

Cabashada ku saabsan eedaynta Hay’adda kubada cagta ee (FA) Slovakia waxaa eegi doona gudiga asluubta ciyaaraha ee xidhiidhka kubada cagta ee Yurub, isagaana markaa uu qof ku arko ku xukumi doona hay’ada (FA) talaabooyinka ku haboon ee xukun ah.

Waxa ilaa hadda la fahamsanyahay cajaladihii laga soo duubay ciyaartaa, oo lagu daray warbixintii aan ka sameeyeen weftigii goob jooga ka ahaa ciyaartaa ee xidhiidhka kubada cagta ee Yurub UEFA iyo garsoorihii ciyaarta Domenico meeshiin in dhamaantood ay sababeen su’aal ka timid falalkii ay ku kaceen Ingiriisku.

Mike Lee oo ah agaasimaha war Isgaadhsiinta ee xidhiidhka UEFA ayaa isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi “warbixinta na soo gaadhay waxaa ka muuqda laba arrimood oo ah midab takoor lagu sameeyay ciyaartoyda Ingiriiska ah iyo qaar ka mid ah kooxaha taageerayaasha Ingiriiska oo iyaguna la yimid falal ka baxsan asluubta ciyaaraha iyo taageerayaashooda, baadhitaanadiina weli way socdaan, arrintan oo ay ka hadli doonaan gudigayaga asluubta ciyaaruhu 21ka bisha November

Hay’adda kubada cagta ee Slovakia waxaa laga yaabaa in lagu xukumo arrimo dhinaca sharciga ah oo ku lug leh midab kala sooca, waxaana ka mid ah in ciyaarahooda kooxdoodu ku safato garoon aan cidina daawanayn oo albaabada loo Xidhay.

Kooxda Middle-broughs oo ka werwersan Ganaax ku soo fool leh

Xidhiidhka kubada cagta ee Ingiriiska ayaa ka sugaya warbixin garsoore Rob Styles in aanay go’aanka gaadhin in laga abaal mariyo ciyaaartoyga George Boeting ee Kooxda Middle-brough gaca ka hadal uu u geystay ciyaaryahano kale oo ka socday Kooxda Leeds United markii ay dhammaatay ciyaar kulul oo dhexmartay labada kooxood ee Middle-brough iyo Leeds united oo ku dhammaatay 2-2 gool kana dhacday Riverside camarada filimada mid ka mida kuwii ciyaartaa duubayay ayaa sawirtay Boateng oo la dagaalamay Jonathan Woodgate oo u ciyaara Leeds United markii ay dhexmartay labadooda kooxood.

Ciyaartoyga reer Holland ee Boateng oo ka ciyaara khadka dhexe wuxuu falkaa hore la mida kula kacay isla ciyaartoy kale oo u ciyaarayay Kooxda Leeds United oo Lucas Radebe.

Xidhiidhka kubada cagta ee Ingiriiska (FA) ayaa sugaya go’aanka iyo warbixinta uu garsooruhu ka keeno gefkaa ahaa ee ka dhacay ciyaartaa inta aanay go’aan ka qaadin arrintaas.

Waxa suurta gal ah in uu George Boateng uu la kulmo xukun ganaax oo aad u badan iyo muddo laga joojiyo ciyaaraha haddii ay ku cadaadaan eedaymaha loo soo jeediyay.

Kooxda Middle-brough waxay aad uga werwersantahay in uu ciyaartoygeeda ku dhaco ganaax la mid ah kii ku dhacay sanadkii 1999 Patrick Viera u ciyaara Arsenal markii uu falkan oo kale kula kacay ciyaartoyga Neil Ruddock, inkastoo aanu Patrick Vieira aanay gacantiisu toos u gaadhin ciyaartoyga uu ficilka gacan ka hadalka ah u muujiyay ee difaaca uga ciyaara Westham.

Dadka ku dhintay hawlgalkii Ciidamada Ruushka

M

oosko (W. Wararka): Tirada dadka ku dhintay hawl galkii ay Ciidamada Ruushku ku qaadeen dhisme tiyaatar ah oo ay dablay hubaysani afduub ugu haysatay dad 1000 qof ku dhaw maalintii sabtidii ee doraad tirada dadka ilaa hadda dhintay ayaa lagu qiyaasay ilaa 90qof oo ka mid ah dadkii afduubka loo haystay iyo 50 ka mid ah kooxdii afduubka geystay. Waxa sidan lagu sheegay war ka soo baxay Wasaarada caafimaadka ee Ruushka kaasoo intaa ku daray in dadka dhaawacmay ay gaadhayaan 540 qof.

Dhimashadan iyo dhaawacan faraha badan waxa la sheegay inay sabab u tahay gaas sun ah oo ay Ciidamada Ruushku ku fureen dhismahaasi ka hor intii aanay xoog ku galin si ay u soo furtaan dadka la haystay. Waxaase jira warar kale oo shaki galinaya sababta uu khasaarahaa weyni u dhacay inay sabab u tahay rasaas ay fureen dablayda afduubka gaystay, iyo inay ku dhinteen rasaasta Ciidamada Ruushka markii uu hawlgalku dhacayay.

Dawladda Ruushka ayaan iyaduna dhinaceeda wax faahfaahin ah ka bixin nooca ay ahayd sunta ay ku isticmaaleen hawlgalkaasi oo warwer wayn dhalisay ka dib markii geeridan aad u xuni ay dhacday.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo dhacdadan ka hadlayay ayaa amaanay Ciidamada Ruushka oo uu sheegay inay ku guulaysteen furashada dadkii la haystay isaga oo booqasho ugu tagay dadka dhaawaca ah ee la dhigay cusbitaalada Caasimada Moosko.

Kooxaha Soomaaliya Ee Ku Shirayay Eldoret Oo Heshiis  Isla Gaadhay

E

ldoret (W.Wararka): Kooxaha Soomaaliya ee uu shirku beryahanba uga socday magaalada Eldoret ee dalka Kiiniya ayaa lagu soo waramay inay heshiis kala saxeexeen maalintii shalay kaasoo lagu soo gebagebeeyay wajigii hore ee shirka, oo ilaa bishan October 15keedii ka socday magaalada Eldoret.

Heshiiskan oo ay wada saxeexeen sida la sheegay dhammaan kooxaha ku shiraya Eldoret qodobada uu ka kooban yahay waxa ka mid ah in xabad joojin laga hirgaliyo dhammaan dalka Soomaaliya, inaan Ciidamada loo adeegsan weerar cid kale lagu qaado iyoin dhammaan wixii khilaaf ah lagu xaliyo si nabad ah, in dawlad loo dhanyahay oo Federal ah laga dhiso dalka Soomaaliya, in hay’adaha  samafalka loo ogolaado inay gargaarka gaadhsiiyaan dadka Soomaaliyeed, in ururada caalamiga ah iyo kuwa goboleedba loo ogolaado meel marinta heshiiskan, in lala dagaalamo argagixsada iyadoo la kaashanayo beesha Caalamka lagana hortago in dalka Soomaaliya ay gabaad ka dhigtaan ururada argagixsada ahi.

Heshiishkan waxa saxeexay Kooxda Carta, dawlad goboleedka Puntland, iyo ururo kale oo ay ka midyihiin SRRC, USC/SNA, USC/SSA, RRA, SSNM, isbahaysiga dooxada juba, iyo qaar kale. Waxaa kale oo heshiiskan saxeexay wakiilada ururka IGAD iyo dalalka Djibouti, Kiiniya, Itoobiya, iyo wakiilada dalalka iyo ururada caalamiga ah sida maraykanka, Talyaaniga, Midowga Yurub, Jaamacada Carabta.

Saxeexa heshiiskan ka dib waxa la sheegay in madaxweynaha Kiiniya Danial Arab Moi uu xaflad lagu maamuusayo heshiiskan ku qaban doono magaalada Eldoret maalinta khamiista taasoo ay ka soo qayb gali doonaan Madax ka kala socota dalalka gobolka iyo marti sharaf kale. Ka dibna waxa la sheegay in ay kooxaha heshiiskan saxeexay ay iska soo dhex xuli doonaan gudiyo ka shaqeeya dib u heshiisiinta iyo isku celinta hantida la kala haysto, iyo dejinta dastuur mustaqbalka lagu dhaqmo. shirkan haatan la soo gebagebayeey qaybtiisii koowaad oo furmay 15kii bishan waxa lagu soo waramayaa inay ku xigi doonaan laba qaybood oo kale kuwaasoo ujeedadoodu tahay in lagu soo afjaro colaadaha mudada dheer taagnaa.

 

Aqoon isweydaarsi xuquuqda shaqaalaha oo ka furmay Hargeysa

H

argeysa (Haatuf): Aqoon isweydaarsi ku saabsan xuquuqda shaqaalaha oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ILO xafiiskeeda Hargeysa ayna ka qayb qaadanayaan qaar ka mid ah wasaaradaha dawladda,  hay’adda shaqaalaha dawladda iyo xidhiidhka guud ee Shaqaalaha ayaa shalay ka furmay Hotel Maansoor ee Hargeysa

Xaflada furitaanka aqoon isweydaarsigan oo ay ka qayb galeen Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland iyo wakiilka hay’adda shaqaalaha adduunka ILO ee bariga iyo badhtamaha Afrika Maxamed Cali  Ibraahim waxa uu socon doonaa muddo 8 maalmood ah. Qodobada laga hadlayo mudadaa uu socdaana waxa ka mid ah xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo gaarka kuwa ahba ay leeyihiin iyo kuwo lagu leeyahay iyo sharciga isu keeni lahaa qofka shaqaalaha iyo ka loo shaqeeyaha ah sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo.

Aqoon isweydaarsigan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalka lagu qabto waxa qabanqaabadiisa ka shaqeeyay madaxa xafiiska hay’adda ILO u qaabilsan bariga iyo badhtama Afrika Maxamed Cali Ibraahim hadal furitaanka aqoon isweydaarsigan ka jeediyay waxa uu kaga waramay ahmiyada uu aqoon isweydaarsigani leeyahay iyo sida loogu baahanyahay in la helo sharci kala haga shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.

Wasiirka caafimaadka iyo shaqada Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo isna hadal ka jeediyay furitaanka aqoon isweydaarsiga ayaa u mahad naqay wakiilka hay’adda ILO Maxamed Cali Ibraahim oo aqoon isweydaarsigan soo qaban qaabiyay isaga oo intaa ku daray ahmiyada ay leedahay in ay helaan cid ka caawisa xuquuqda shaqaalaha iyo dhismaha waaxda shaqada ee wasaaradiisa.

Waxaa kale oo ka hadlay munaasibadaasi Wasiirka Qorshaynta Axmed Xasan Caafi oo sheegay sida ay muhiim u tahay inay shaqaaluhu helaan xeer damaanad qaada xuquuqdooda.  

Weftiga Macalimiinta reer Sweden Oo Booqday Dugsiga Sh. Cali Ibraahim

H

argeysa (Haatuf): Weftigii macalimiinta ahaa ee Reer Sweden ee yimid doraad magaalada Hargeysa weftigaasi oo ka koobnaa 6 xubnood oo ay ahayd ujeedada socdaalkoodu sidii ay xidhiidh waxbarasho iyo walaalayn ugu samayn lahaayeen Dugsiga Hoose/Dhexe oo ku yaalla dalka Sweden gaar ahaan magaalada Gotherborg oo ay ka mid yihiin 5ta xubnood ee u dhashay dalka Sweden iyadoo uu weheliyo wiil soomaali ah oo ka shaqeeya hawlaha xidhiidhka Waxbarashada Dugsiga hoose/dhexe ee Sh. Ibraahim (ex-biyo dhacayga sare) ee magaalada Hargeysa Somaliland Haddaba weftigaas oo booqday dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Cali Ibraahim halkaa oo ay ugu  horeyntii kusoo dhaweeyeen ilaa Toban arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal oo gudoonsiiyay weftiga ubax qaarkoodna siteen boodhadh ku qoran afka Swedishka boodhadhkaas oo ku qoran yihiin

Valkomna Till Somaliland oo la mid ah kusoo dhawaada Somaliland

Valkomna Till Sh. Ali Ibraahim Skolen oo la mid ah kusoo dhawaada dugsiga sh, Ibraahim.

Intaa ka dib waxa ay u gudbeen weftigii xafiiska maamulka dugsiga oo halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubno ay ka mid yihiin Wasaarada Waxbarashada maamulka D/hoose iyo xubno sharafeed xubnaha oo kale ah xuseen cilmi agaasimaha gudoonka Waxbarashada

Iyo Ibraahim Maayar ku xigeenka koowaad ee Hargeysa

Axmed Cali Cadan Gudoomiyaha W. gobolka

Siciid X Cali maamulaha dugsiga hoose dhexe ee sh. Cali Ibraahim iyo xubno sharafeeed oo ay ka mid yihiin Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah Gudoomiyaha Haatuf Media Network 2 xubnood oo ka mid ah gudiga waalidiinta ardayda dugsiga Sh. Cali Ibraahim waxaana hadalkii furay Xuseen cilmi agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland waxaanu hadalkiisa ku bilaabay barasho shaqsi ahaaneed oo uu weftiga magacyada xubnihii fadhiyey iyo iyago mid kastaba oo weftiga ka midi sheegay magaciisa iyo maadooyinka ay ka dhigaan waxa isaguna warbixin ka siiyay dugsiga maamulaha dugsiga Sh. Cali Ibraahim Siciid X. Cali waxaa uu maamuluhu sheegay in dugsiga ay dhigtaan arday ilaa 2200 ah ilaa 1560 arday yihiin wiilal ilaa 650 ardayna yihiin gabdho.

Dhinaca kale waxa ay sheegeen weftigu inay hawshoodii bilaabayaan una qaabeeyeena, shaxayn si kala horeysa oo ugu horeyn macalin kasta oo ka mid ah macalimiinta Sweden uu la kulmayo macalin ka mida macalimiinta dugsiga sh Cali Ibraahim oo dhiga maadada uu dhigoTusele hadu macalinka reer Sweden dhigo waxaa uu la kulmay macalinka dugsigan ka dhiga xisaabta.

Marka labaad macalimiinta reer Sweden waxay la kulmayaan macalimiinta reer Somaliland oo xiisad ugu jira ardayda dugsiga ka dibna waxa ay la kulmayaan ardayda oo kalaasyada ku jirta waxaa kale oo ay sheegtay madaxa weftiga macalimiinta reer Sweden Mrs. Marianne Skoog inay u sido dhambaalo ardayda dugsiga sh, Ibraahim ee Hargeysa Somaliland, ay u soo direen ardayda dugsiga Gothernborg Sweden oo ay u soo direen dhambaalada, oo ku qoran afafka Swedishka, English, Arabic, iyadoo sheegtay inay ka sii qaadi doonto jawaabta ardayada reer Somaliland wixii farina ay ugu sii dhiibaan ardayda reer Sweden.

Hawl Daaweynta Indhaha Oo Ka Bilaabantay Cusbitaalka Berbera iyo Haween

B

erbera (Haatuf): Tiro ka badan kun qof (1000) oo ah bukaan indhaha ah ayaa isugu yimid cusbitaalka qaliinka ee magaalada Berbera maalintii sabtidii.

Warkani oo uu noo soo diray Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil C/Raxmaan X Daahir (Casaan) wuxuu intaa ku daray in tirada bukaanka indhaha ah ee isugu yimid cusbitaalka Berbera in loo bilaabay hawlo isugu jira eegis, daaweyn iyo qaliin maalintii sabtidii, hawshaas oo ay qaban qaabinayaan dhakhaatiir mutadawiciin ah oo ka socdo hay’adda samofalka ee ILO.

Warkani wuxuu intaa ku daray in urur haweena oo lagu magacaabo Muruq iyo maskax kana hawl gala gobolka Saaxil in ay go’yaal ugu deeqay cusbitaalka qaliinka ee Berbera iyagoo deeqdaas maalintii sabtidii gudoonsiiyay isu duwaha Wasaarada caafimaadka ee gobolka Saaxil Cabdi Cabdilaahi, deeqdaas oo loogu talo galay in lagu arad tiro sariiraha bukaanka ee cusbitaalkaas.

Gudoonka deeqdaas ka dib isu duwaha caafimaadka ee gobolka Saaxil ayaa ururkaas uga mahad celiyay sida xilkasnimada leh ee ay caawimada u soo gaadhsiiyeen cusbitaalkaas.

Marwo Cibaado Diiriye oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka muruq iyo maskax ee gobolka Saaxil ayaa hadal ay ka jeedisay kulankii deeqdaas lagaga gudoomay ururkeeda, waxa ay xustay in ay urur ahaan ku dedaali doonaan kaalmooyinka noocaas oo kale ah.

Qalab Dhalinaya Dhuxul Karisa Raashinka oo aan geedo laga shidan

H

argeysa (Haatuf): Waa qalab sanduuq oo  kale ah waxay ku shaqaysaa ilayska cadceeda waxaanad ku karsan kartaa raashinka.

Bandhiga qalabkan iyo kuwa la mid ah waxaa lagu soo bandhigay carwo laga furay hageysa.

Qalabkan waxaa diyaarisay hay’adda Trana World waxayna ugu talo gashay si ay u yarayso baahida aad u baahantahay dhuxul ama xaabo si aad wax u karsato, haddii aad hesho qalabkan waxaad wax karsan kartaa adigoon dab isticmaalin cadceeda ayaa ah ilaha dhalinaya tamarta kulaylka ee aad u baahantahay, maadaama u qalabkan kulaylkiisu uu aayar aayar u soo kululaanayo waxaad siinaysaa waqti uu ku karsamo raashinku oo ka yara badan intii ay dhuxusho ku kari jirtay, waxaa loo baahan yahay in aad isku hagaajiso halka ay cadceedu taagantahay iyo halka aad dhigayso qalabkan wuxuu ku gaadhsiin karaa halka ay ku karayaan halka litir oo biyo ah muddo hal saac ah, si aad u kariso raashin 5 qof ku filan, qalabkani wuxuu ku karin karaa muddo 3 saacadood ah, haddii uu gacantaada soo galo qalabkani nadiifi marwalba oo aad isticmaasho muraayadaha uu leeyahay qalabkani haddii ay dabayli jirto dhig meel leh gabood qalabkan, ha furin daboolka marka ay wax kuu karsamayaan.

Roobabku wax bay yeelayaan qalabkan ee dhig meel aan roobku u galin.

Qalabkan iyo qaar kale oo la mid ah waxaa laguugu soo bandhigay carwo ka socota hay’adda shaqaalaha dawladda xafiiskeeda xarunta Hargeysa, waana qalab loogu talo galay in lagu yareeyo jarista dhirta.

Kacaankii dhergiga

M

arkii ay ciidamda Soomaaliya na soo weerareen sidii ay Ihabadu u dafirtay qaranimada Itoobiya ma aha wax la iloobi karo, isla markaana Ihabada waxaanu kala dhinac dhignay cadawyadii Itoobiya waayo waxay cadaysteen inay la saftaan jabhadii shacbiya, dhinaca kalena sharciga Itoobiya u yaalay qofka qaranimada ka horyimaada waxa lagu xukumayay dil, anaguna xal kale maanu hayn ee maadaama aanu ciidamadii wadanka ilaalin lahaa nahay waxa nagu waajib ah inaanu difaacno xuduudaha dalka Itoobiya, isla markaana waxaanu ku khasbanahay in marka uu dagaal jiro debada iyo dalka gudihiisaba inaanu isdifaacno.

Siyaalo badan ayaa looga faalooday hubaynta aanu hubaynay shacbiga Itoobiya laakiin markii ayn yidhaahdeen hub na si aanu isu difaacno ayaanu siinay. Takale markii aanu u halgamanay kacaanka ayaanu yeelanay cadaw farabadan, kacaankuna waxa uu ahaa maamul wareega oo qofka talada haya ka qaada kuna wareejiya qof kale.

Qolyaha waqooyiga joogay maadaama ay u midaysnaayeen inay nala dagaalamaan waxay ahaayeen cadawgayaga sidoo kale umaanu arkayn inay kuraas doonayaan ee waxaanu u arkaynay cadawgayaga.

Amaane Ababa isaga oo la tashanaya Dr. Barkatab waxa uu isku dayay inuu ciidamada nagu soo jeediyo si aanay u dagaal gelin oo ay isu hortaagaan amaradayada, laakiin markii la yidhi waayo maxaad sidaa u samaynaysaa intuu cadhooday ayuu gurigiisa iska fadhiistay markii loo yeedhayna wuxuu yidhi iman maayo. Dabadeedna markii aanu isweydiinay arrintiisa ee aanu la yaabnay ujeedadiisa waxaan anigu u malaynayaa inuu doonayay in loo hawl galo go’itaanka Eretariya.\

Xiligaa waxa gudahayaga ka jiray dhibaato aad u balaadhan, waxayna ahayd wakhti aan la kala garanayn kuma ayaa shacbiya la jira, iyo kuma ayaa Ihaba la jira, waayo labada dhan waxa jiray isku dayo ciidankii lagu duufsaday. Waxaana dhagahayaga ka badatay Ihaba xagee bay qabteen iyo maxay sameeyeen, mana jirto cid xusuusan kartaa dadkii rasaastooda ku dhintay, waxase la hadal hayaa oo qudha ciyaar ay koox qudhi ciyaartay.

Maxaad wakhtigaa u samayn waydeen ayaa la weydiiyay taliyahan wuxuuna ku jawaabay “ ugu horeyn dhibkii ka jiray Eretariya ayaanu ku mashquulnay, ka dibna markii ay dagaaladu  soo kordheen wax waliba sidii aanu doonaynay way noqon waayeen”.

Taliye No:2 ololihii casaa iyo ololihii cadaa waxay ahaayeen loolan ay siyaasiyiintu wada galeen, cawaaqibkeeduna uma qaybsana casaan iyo cadaan toona, waxayna ahayd taariikh xun oo inay dhacdo aan loo baahnayn. Nin waliba wuxuu islahaa hanti wadaag ayaad tahay.

Qalaalasuhu waxa uu xiligaa ku yimid aqoonyahano ka dhinac ah gacanta midig (hanti wadaaga) laakiin dhibaatadii dhacday haddii ay sida u dhantahay loo arko inuu dhergigu bilaabay, kadibna dhamaystiray waxay taasi noqonaysaa mid meel kaga dhacda taariikhda dalka Itoobiya, waxayse isweydiintu tahay marka aanu leenahay ololaha cas iyo ka cad midba imisaa ku dhintay waxa dhibaato ah inaanu helno tirada saxda ah ee ku dhimatay. Hase yeeshee xeer ilaaliye arrimahaa qaabilsani waxa tirada gaadhsiinayaa ilaa 6000 oo qof in ololayaashaa qudha lagaga jaray, laakiin anigu waxaan qabaa inaanay ka badnayn ilaa 2000 oo qof. La soco cadadka dambe