Haatuf News

Sheeko

L

uul waxay uga warrantay warqadda uu u soo diray ninkeedu hooyadeed Quman Sugaal. Runtii reer Goohe may jeclaysan sida uu wax u fahmay Jamaal Bad-maax iyo amarka uu soo siiyay xaaskiisa, waayo Quman Sugaal hadda kama maarmayso Luul oo ah qofka keliya ee la wada hawsha la doonayo in lagu soo furfuro Goohe Guuleed oo u dhaxeeya geeri iyo nolol, suurtogalna ay tahay in la dilo ama la soo daayo. Luul iyo hooyadeed waxay isku raaceen in ninka reer Goohe oo xaaladoodu halkaa marayso sidaa u soo hadlay waa Jamaal

Badmaaxe aanu midba ahayn. Jamaal hadalka looma badin ee waxay xaaskiisu u dirtay warqad ay leedahay hadda iyo markale toona anigu ma imanayo ee tasho. Dhinaca kale, Gaashaanle Bashiir Wardheere wuxuu u soo jeediyay Luul iyo hooyadeed in dil lagu xukumayo raga uu la xidhan yahay Goohe Guuleed, sidaas daraadeed loo baahan yahay in ay deg-deg u tagaan Xamar si amar sare oo liiska dilka lagaga reebayo uu ugala soo saxeexo madax fadhida Xamar oo isaguna u raaco Xamar si ay hawshaas u soo dhammeeyaan. Fadhi umuu ool reer Goohe (Quman iyo Luul). Sidaas daraadeed deg-deg ayay u amba-baxeen oo ay u tageen Xamar.

Jamaal Bad-maax markii uu helay warqaddii jawaabta ahayd ee Luul ayuu damcay in ay telefoonka isku waraystaan, laakiin Jamaal waxaa uu ka war-helay in Luul ay u amba-baxday oo ay hadda joogto Xamar, intaa waxaa u dheeraa in uu Jamaal ka helay war ah sababta ay Luul Xamar u tagtay inay tahay arrintii ay horeba ugu sheegeen oo ah xidhiidh aan nadiif ahayn oo ka dhaxeeya Bashiir iyo Luul. Warkaas oo ay u gudbiyeen Jamaal eheladiisa joogta Hargeysa. Jamaal waxbaa qub yidhi, waana lagu weyn yahay, xagganuu eegay weli wuu jecel yahay Luul, xagga kale ayuu eegay jawaabtii luul ee xidhnayd iyo warka eheladiisa. Waxaaba waxaa ka sii daran Xamar bay tagtay iyo hebel bay isu raaceen. Talaabadaad qaadaaba ka sii daran haddii uu isku soo qaadi lahaa Hargeysa ama Xamar waxaabu ka shakiyay in Luul ay arrintu dhaafto oo ay fooda isla galaan sarkaal miletari ee la yidhi naagtaadii Luul isagaa ku lamaan. Talaa ku caddaatay Jamaal, marba waxbuu ku fikirayay, waxaa talooyinkiisa ka mid ah xaggee Bastoolad lagu iibiyaa. Wuxuu is yidhi intaad Bastoolad iibsato iyada oon lagu ogayn markaad warkooda hesho abaar ninkan jacaylkaagii wiiqay. Waxaa Jamaal loo sheegay in hubka lagu iibiyo Yemen ee aanu si fudud uga heli karyan Sucuudiga. Jamaal sheeko shaqo iyo farxadba way kala tageen, colaadiisu waxay gaadhay meel fog. Wuxuu arrintiii ka badin waayay Luul iska fur, adna shaqada iskaga tag oo halgankii lagaga soo horjeeday nidaamkii dawladda Siyaad Barre ku biir, labadii qodob-ba wuu fuliyay, warqad lalaysa oo Hargeysa laga soo diray, warqad kalena ay ku dhexjirto ayaa Xamar loogu diray Luul oo weli ku dhexjirta furdaaminta arrintii aabaheed, kamay nixin Luul markii ay heshay warqad furniin oo looga soo diray Sucuudiga, kumaanay farxin oo waxay ogayd inuu jiro is-faham la’aan iyo ka warqab la’aan xaaladda dhabta ah ee ay Luul ku sugan tahay, laakiin maqalka arrintaasi waxay farxad u ahayd Bashiir oo doonayay inuu helo Luul oo madax-bannaan si uu fursad uga helo xadhiga ka xidhan ee ay hordhigtay oo ah oori nin kale. Bashiir si uu u kasbado kalsoonida Luul arrintii aabaheed wuu soo dhameeyay oo waxay Hargeysa kula soo noqdeen qoraalkii ay Xamar u tageen. Goohe waxaa ka soo qaaday dabaq hoose oo dadka lagu xidhi jiray xaruntii ciidamada ee Hargeysa Bashiir oo watay gaadhi. Meeshaba muu soo dhigan Goohe waa lagu sii daynayaa, waayo rag badan oo la xidh-xidhay oo meel kula xidhnaa oo saq dhexe laga saaray ayuu inyar kadib maqlay rasaas, dibna looguma soo celin. Goohe wuu yaaban yahay, ninkan soo qaaday ee Bashiir iyo kuwii xidhay, wuxuuse rumaystay Goohe in la sii daayay markii uu horkeenay gurigiisa. Luul iyo Quman aad iyo aad ayay niyadoodu u bogsatay markii Goohe la keenay, laakiin Goohe hadalkiisu ma badna. Luul ayaana isbartay Aabaheed iyo ninkii siday oo u sheegtay magaciisa, iyo inuu yahay ninkii u raacay ilaa Xamar ee ka soo saxeexay siidayntiisa madaxdii looga baahnaa. Sidaas ayaanu maalintaa ku tegay Bashiir, isaga oo waxa uu filayaaba ay tahay Luul lin a siiyo.

Goohe habeenimadii ayuu la hadlay inankiisii isaga oo u sheegay in aanay jirin nololi Hargeysa oo uu tashan doono Goohe, arrintaa oo aanu Abiib si fiican u fahmin, laakiin Goohe sida wax magaalada u dhaadhacaya ayuu tobankii habeenimo yara baxay, laakiin dib ugumuu soo noqon gurigii, waxaanay qoyskiisii maalmo kadibna ay ka warheleen in uu dhinaca Itoobiya Goohe u tallaabay.

Quman Sugaal iyo Luul Goohe oo ay weheliyaan laba inan oo kala ah Rooble iyo Colaad oo ay laba nin u kala dhashay. Luul ayaa ku soo hadhay gurigii reer Goohe, inta badna waxaa u yimaada Gaashaanle Bashiir Wardheer oo doonaya Luul. Quman, Luul hooyadeed waxay raacsan tahay in Bashiir guursado Luul, maadaama uu Bashiir ka qaybqaatay soo furashadii Goohe in ay Luul oggolaato guurkiisa. Ugu dambayntii Luulna way oggolaatay inuu Bashiir noqdo ninkeedii.

Amuun Cabdalle iyadu toddobaadkan marka ay mar saddexad noqotay mixiisad arooska ninka saddexaad ee guursanaya saaxiibadeed Luul, iyadu waxay amba-baxaysaa dalka Maraykanka oo uu fiiso uga soo saaray Cabdi Malik Raxle, waxaanay Amuun rajaynaysaa inay mar wada gaadho laba bar-tilmaameed oo ay leedahay oo kala ah in ay hesho waxbarasho Jaamacadeed iyo inay is guursadaan Cabdimalik Raxle oo ah nin ay laabteedu jeceshahay, kadib markii uu si wanaagsan ula garab-galay hiyigeedii waxbarasho, waxaanay u aragtaa inuu yahay Cabdimalik nin danaynaya Amiin inay noqoto inan aad wax u baratay cilmiga oo ay taasi tahay bartilmaameedkiisa koowaad marka la barbar dhigo is-guursigooda oo ah arrinta labaad ee Cabdimalik. Arrimahaas ayaa Amuun Cabdalle ku beeray in ay u hayso jacayl iyo qaddarinba, waxaanay ku talojirtaa marka ay is guursadaan in ay noqoto marwo aad u kaafida laabta Cabdimalik. Waxay rajaynaysaa Amuun in aanay noqon sida saaxiibadeed, in si dhib yar uu ku burbui karo aqalka u dhisma iyada iyo Cabdimalik, waxay laabta ku haysaa in xataa haddii ay dhacdo in uu Cabdimalik la yimaado talo burburin karta gurigooda in ay Amuun noqoto birta shubka ah ee isku haysa jiritaanka qoyskooda, lama fududa, ma jecla, talada uguma jirto Amuun in uu si dhib yar ku xijaabto jacayl ay sannado badan soo ababinaysay, waxaanay doonaysaa inuu guurka Cabdimalik noqdo ka ugu horreeya guur uguna dambeeya nolosheeda.

Marwo Huda

B

erbear (Haatuf): Marti-qaad ay ka heshay ururada haweenka ee gobolka Saaxil ayay shalay Marwo Huda, marwada madaxweynaha Somaliland ku booqatay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir (Casaan), ayaa sheegay in Marwo Huda aad loogu soo dhoweeyay booqashada ay ku timid Berbera, iyada oo Marwo Huda iyo xubnaha la socday ay degeen xarunta madaxtooyada Gobolka Saaxil ee ku taal Berbera.

Warkani wuxuu intaa ku daray in la filayo in ay Marwo Huda soo marto cusbitaalada Berbera iyo kan dadka qaba cudurada maskaxda ee ku yaal Berbera, inta uu socdo booqasho laba maalmood ah oo ay Marwo Huda ku joogi doonto Gobolka Saaxil, iyada oo ay qorshaha ku jirto booqasho ay ku tegi doonaan degmada Sheekh.

Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka ayaa ka mid ahaa waxyaalaha lagu soo dhoweeyay shalay weftiga ay hoggaaminayso Marwo Huda, Marwada Madaxweynaha Somaliland.

Masaajid

G

oobta 26-ka juun ee magaalada Hargeysa waxay ahayd goob taariikhiya, waayo meeshii lagu rogay calankii Mustacmaradii Ingiriiska, laguna saaray calankii Somaliland sannadkii 1960-kii bishii Juun. Hase yeeshee goobta sannadkii 1999-kii ayey dawladdu siisay ganacsade Ibraahin Dheere si uu uga dhiso masaajid, taas oo uu ganacsade Ibraahin Dheere dhismaha masaajidkaa bilaabay isla sannadkii 99-kii, laakiin masaajidkaasi ilaa maanta waa qabyo. Qabyada masaajidkaasina marka hore waxay ceeb ku tahay Ganacsade Ibraahin Dheere oo aan aaminsanahay inaanu u waayin aduun uu ku dhamaystiro, mar labaadkana dadka caasimadda ku dhaqan iyo dawladdaba waa ku ceeb qabyada masaajidkaasi.

Wasiirka diinta iyo Awqaaftu oo maadaama uu yahay ninka qaabilsan waxa la odhan karo isna si gaar ah ayey ceebtu u saaran tahay, waayo waxay ahayd inuu mar hore hoos u eego xaaladda masaajidkaa, laakiin hadda waxaan kula talinayaa wasiirka diinta iyo Awqaafta inuu guddi u saaro masaajidkaa, guddigaas oo laga soo dhex-xulo dadka Hargeysa ku dhaqan, ka dibna ay guddigaasi dadka ka soo ururiyaan qaadhaan dhaqaale oo masaajidkaa lagu qabyo tiro, aniga oo ku talinaya inay ganacsatada iyo dadka wax haysta iyo culimadu isu taagaan qabyo-tirka masaajidkaa, taas oo aan leeyahay hawshaasi waa inay dhamaato inta bisha Ramadaan lagu jiro si loogu tukado ciidal-fidriga inagu soo socota hadii Illaahay idmo.

Arintaa waxaan u arkaa in xil weyn la iska saaro oo aan mar dambe lagu eegin Ibraahin Dheere iyo cid kale toona, cidna lagala tashan wax ka qabashada masaajidkaa, iyadoo ay waxa masaajidka u hadhsaniba yihiin xaal-xaalkii u dambeeyey.

Ismaaciil C/raxmaan Cumar-Xaashi, Hargeysa.

Riyada UDUB iyo Khuurada Rayaale

S

ida aynu ognahay waxa ururada siyaasiya ah ee Somaliland ka jira ka mid ah UDUB la yidhaahdo, laakiin ururkaasi waxbuu ururada kale kaga duwan yahay, waxaasina waxa weeye isaga oo shaadhkii dawladda huwan, taas oo ay dhammaan masuuliyiinta dawladdu ka tirsan yihiin ururka UDUB, waxaana la aaminsan yahay inuu ururkaasi isticmaalo awooddii dawladda iyo hantidii dawladda ee ummadda ka dhexaysay, waxayna masuuliyiinta dawladda ee UDUB meel walba ka yidhaahdaan hadii aan UDUB loo codayn nabadi jiri mayso. Laakiin waxaad moodaa inay ururkan riyadiisu fog tahay oo uu wax kale isku qanciyey, taas oo reer UDUB is tuseen inay doorashadiiba heleen oo ay dadku 100% u codaynayaan, mid kasta oo UDUB ka mid ahina waxa uu ku odhanayaa dalka iyo dadkuba waa anaga, xisbi kalena ma jiro, balse waxay iswaydiintu tahay riyada UDUB halkee bay ku dambayn doontaa.

Ta kale sida aynu wada ognahay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa uu xilka la wareegay markii uu geeriyooday madaxweynihii hore ee Somaliland oo ahayd 3-dii May 2002, isaga oo hore u ahaa madaxweyne-kuxigeenka Somaliland.

Mudane Daahir Rayaale waa nin af-gaaban oo aan hadal badnayn, laakiin dadka arimaha siyaasadda faaqidaa waxay qaarkood yidhaahdeen mudane Rayaale waa nin qunyar socod ah oo aan khuuradiisa la malayn karin, taas oo macneheedu yahay inay khuuradiisu wejiyo badan keeni karto, dhinaca kalena waa nin samir badan, una soo dul-qaatay duruufo badan. Laakiin mudane Rayaale waxa uu hadda gudoomiye ka yahay ururka UDUB, laakiin UDUB waa urur aanay cadaaladi ka muuqan, balse Rayaale waxa uu hore u sheegay inuu tix-gelinayo aqlabiyadda dadkiisu waxa ay rabto, isla markaana waa nin jecel waxa ay dadkiisu jecel yihiin. Sidoo kale mudane Rayaale maalintii uu xilka la wareegay waxa uu u jeestay danta dadweynaha, laakiin uma jeesan danaystayaasha UDUB ka buuxa, laakiin bilowgii reer UDUB way ka shakiyeen Rayaale, waxaana hadaladii ay xiligaa ku odhan jireen ka mid ahaa “Halka ay Faysal Cali-Waraabe iyo Siilaanyo iyo kuwa kale lixda gobol-ba isu marayaan ayuun buu gudoomiyaheenuna iska fadhiyaa, taasi waa mid UDUB u dan ahayn”, laakiin marka ay sidaa leeyihiin waxaan waydiin jirey madaxweyne Rayaale ma dawladda ayuu u shaqeeya, mise UDUB buu u shaqeeyaa, wayse ka meeraystaan su’aashaa.

Waxa kale oo ay marmar odhan jireen “Rayaale waxa uu la shirayaa ururo kale, sida ASAD oo kale, marka aad la kulnatana waxa uu ku odhanayaa wada hawsha, bokot-manigiina wuu xidhay, tallow maxaa jira, isku hallayn malaha ninkani”. Sidaa awgeed khuurada Rayaale waxay sababtay inuu ururka UDUB shaki dartii burbur looga baqo. Laakiin su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay waa maxay xaqiiqda dhabta ahi?

Ma aha in khiyaali lagu noolaado, maanta waxaynu nahay dawlad madax banaan oo buuxisay shuruudihii dawladnimo, halkaana waxaynu ku gaadhnay xaqiiqda aynu mar walba ku socono iyo isku duubnaanta, maantana ka fursan mayso inaynu sidaa yeelno.

Markii ugu horaysay ee aynu la soo noqonaynay madax banaanida oo ahayd 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay beelaha Somaliland shirweynaha ku yeesheen magaalada Burco, halkaas oo lagu samaystay dawlad, hadana mar kale waa tii ay beelaha Somaliland shirweynaha ku yeesheen Boorame, halkaasna lagu soo doortay dawlad cusub, sidoo kale waxay beelaha Somaliland mar saddexaad shirweyne isugu yimaadeen magaalada Hargeysa intii u dhexaysay dabayaaqadii 1996-kii ilaa horaantii 1997-kii. Hase yeeshee mar walba sida la yeelayaa waxay ku dhisnayd wada tashi ummadeed, iyadoo laga duulayo had-ba xaqiiqda jirta iyo suuradda uu wacyiga lagu jiraa leeyahay. Sidaa awgeed maanta oo la doonayo inay dalka doorashooyin ka dhacaan, laakiin iswaydiintu waxay tahay doorashada la wadaa ma ka turjumaysaa xaqiiqda wacyiga aynu ku jirno iyo danta ummadda.

Anigu fekerkayga shakhsiga ah marka aan eego duruufaha jira, iyadoo aanay gobolo dhami ciyaartaba ku jirin, iminkana uu ka muuqdo dareen yididiilo lihi, una baahan in yididiiladaa loo joojiyo, waxaan u arkaa inay adag tahay inay dalka doorasho ka dhacdo, sidaa darteed waxaan odhan lahaa doorashadu hadii aanay ka turjumayn wacyiga aynu ku jirno iyo danta yeynaan si laab lakac ah isugu wareerin ee aynu arinta rog-rogna oo aynu feker dheer iyo wada tashi ku dayno, isla markaana aynu ka duulno xaqiiqda iyo danta Somaliland iyo in la ilaaliyo midnimada iyo wada jirka dadka reer Somaliland.

C/raxmaan Axmed Xuseen (Indho), Hargeysa

Xukuumadda oo jawaab ka bixisay eedayn loo jeediyey

H

argeysa (Haatuf): Wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay dhaliilo looga jeediyey diyaarinta xeer-maamul gaar ah oo la sheegay in lagu maamuli doono hawlaha doorashada caasimadda Hargeysa, sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay xafiiskiisa ka soo saaray agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga, C/raxmaan Maxamed Cajeb.

Hadalkan ka soo baxay wasaaradda arimaha guduhu waxa uu jawaab u ahaa hadal hore uga soo baxay dhinaca wakiilada, kuna saabsanaa diyaarinta xeer-maamulka hawlaha doorashada caasimadda Hargeysa, xeer-maamulkaa oo ay guddiga doorashooyinka Somaliland sheegeen in diyaarintiisa lala habsaamay waxay wakiiladu dhaliishiisa isaga riixeen dhinaca wasaaradda arimaha gudaha oo marka hore laga doonayo inay soo diyaariso, ka dibna u soo gud-biso golaha wakiilada si ay u ansixiyaan, iyadoo uu qaynuunku dhigayo in baaxadda hawsha darteed caasimadda Somaliland loo sameeyo xeer-maamul u gaar ah xiliga doorashada.

Gudoomiyaha guddi-hoosaadka arimaha shuruucda ee golaha wakiilada, mudane Faysal Axmed Maxamed ayaa waraysi uu Axaddii toddobaadkan siiyey saxaafadda ku sheegay inay wasaaradda daakhiligu la habsaantay diyaarinta xeerkaa, laakiin agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha guduhu waxa uu taa ku tilmaamay dhaliil aan gar ahayn, isaga oo intaa ku daray in diyaarinta xeerka ay wasaaraddu hadda gacanta ku hayso, isla markaana agaasimaha guud wixii xeerka doorashooyinka ka qabyo ah waxa uu dhaliisheeda isaga riixay dhinaca wakiilada.

War-saxaafadeedka uu soo saaray agaasimaha guud ee daakhiligu isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

“Wasaaradda arimaha guduhu iyada oo tix-raacaysa labadii maqaal ee ku soo kala baxay wargeysyada Jamhuuriya iyo Haatuf, cadadyadii soo baxay 28/10/2002 ee uu gudoomiyaha guddi-hoosaadka shuruucda ee golaha wakiiladu ku dhaliilay wasaaradda arimaha gudaha, dhaliishaas oo aanu wasaarad ahaan u aragno dhaliil shakhsi ah, isaga oo sheegay inaanay wasaaradda arimaha guduhu ka soo bixin xilkii looga baahnaa ee ahaa samaynta xeerka doorashada ee caasimadda. Hase yeeshee wasaaradda arimaha guduhu iyadoo ka jawaabaysa arintaa waxay beyaaminaysaa (Iftiiminaysaa) qoddobadan:

1-       Waxa jirta hayad dalka u qaabilsan diyaarinta iyo dejinta xeerarka iyo shuruucda.

2-       Qaabka doorashooyinka dawladaha hooseiyo madaxtooyada waxa qeexay xeer Lr.20/2001 oo ay ansixiyeen baarlamaanku.

3-       Ansixinta, iftiiminta, wax ku kordhinta iyo wax ka bedelka shuruucda waxa iska leh golaha sharci dejinta (Baarlamaanka).

4-       Sida uu tilmaamayo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka ee Lambar.23/2002, qaybtiisa 5aad, xarafkiisa “J” oo dhigaya in xukuumadda ay waajib ku tahay inay soo diyaariso xeer u gaar ah maamulka caasimadda, xeerkaasina wax xidhiidh ah lama laha arimaha doorashooyinka, balse waxa uu gaar u yahay maamulka caasimadda, xeerkaasna hadda ayey wasaaraddu gacanta ku haysaa diyaarintiisa, wuxuuna la jaan-qaadi doonaa marka uu golaha degaanka ee caasimaddu dhismo.

Hadaba wasaaradda arimaha guduhu waxay halkan ku beyaaminaysaa in maamulka doorashooyinka ay iska leeyihiin guddiga doorashooyinku, sida ku cad xeerka doorashooyinka, laakiin hadii ay jiraan wax qabyo ka ah xeerkaa ama uu mad-madow ku jiro waxay guddiga doorashooyinku kala xidhiidhi karaan oo ay xilkooda tahay golaha wakiilada”ayuu agaasimaha guud ee daakhiligu ku xidhay qoraalkiisa.

Socdaalka kediska ah ee garaad Abshir

L

aas-caanood (Haatuf): Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah garaadada beesha Sool ayaa isniintii doraad ee 28-kii bishan ka dhoofay magaalada Gaalkacayo ee badhtamaha Somaliya, waxaana la sheegay inuu u kicitimay dhinaca shirka dib-uheshiisiinta ee ka socda degmada Eldorate ee dalka Kenya.

Weriyaha Haatuf, Liibaan Maaweel Shire oo hadda ku sugan magaalada Laas-caanood ayaa ku soo waramay inuu garaad Abshir si kedis ah uga ambabaxay magaalada Laascaanood, sidaa darteedna aan warar rasmi ah laga hayn ujeedada socdaalkiisa iyo sababta keentay safarka kediska ah ee uu ugu baqoolay dalka Kenya.

Garaad Abshir Saalax sabtidii toddobaadkan ayuu ka baqoolay magaalada Hargeysa oo uu socdaal ku joogay inka badan laba toddobaad, wuxuuna magaalada laas-caanood gaadhay habeenimadii ay Axaddu soo gelaysay ee 26-kii bishan. Hase yeeshee sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf garaad Abshir kuma hakan Laas-caanood ee waxa uu u dhaafay si degdeg ah, isaga oo aan cidna la kulmin, wuxuuna warku sheegay inuu garaadku habeenimadii uu magaalada laas-caanood gaadhay aanu gurigiisa meelna u dhaafin, iyadoo ay habeenkaa guriga garaad Abshir hor-fadhiyeen niman ilaalo ah oo aan ogolayn inay cidi u gasho, isla markaana isla subaxii Axadda ayuu garaadku ka ambabaxay Laas-caanood, isaga oo aan cidna la kulmin haba yaraatee, ka dibna Isniintii doraad ayuu diyaarad ka raacay magaalada Gaalkacayo.

Garaad Abshir oo imaatinkiisa la sugayey ayey garaadada reer Sool intooda badani isku dayeen ama fisheen inay la kulmaan garaad Abshir si ay u waraystaan maadaama uu dhinaca Hargeysa ka yimi, laakiin may suurta gelin inay garaadada dhigiisu si guud iyo si gaar ah midna ula kulmaan.

“Garaadku habeenimo ayuu yimi, salaadiina wuu ka jarmaaday magaalada oo wuu ambabaxay”sidaa waxa yidhi garaad C/qani garaad Jaamac oo uu weriyuhu waydiiyey bal inay is arkeen garaad Abshir, laakiin garaad C/qani mar la waydiiyey inay garaadada reer Sool wax ka ogyihiin socdaalka garaad Abshir ee shirka Kenya waxa uu ku jawaabay “Garaad Abshir isimada kale ee dhul-bahante cidna iskama ay arag, isla markaana qorshaha safarkiisa isimada kale waxba kalama socon”.

Garaad Abshir Saalax oo markii Hargeysa yimi u waramay weriye Haatuf ka tirsan waxa uu socdaalkiisa Hargeysa ku tilmaamay mid gaar ah oo ku saabsan arimo qoys, laakiin waxay wararku tibaaxeen in intii uu Hargeysa uu la kulmay madaxweyne Rayaale, balse lama oga waxa ay ka wada hadleen, dhinaca kalena waxay wararku intaa ku dareen inuu garaad Abshir beryahanba ku mashquul-sanaa sidii uu shirka Kenya u tegi lahaa isaga oo magac Somaliland ah sita. Laakiin lama oga inuu garaad Abshir marti-qaad ka helay shirka Kenya, waxaase jira warar aan xaqiiqdooda la ogayn oo magaalada Laas-caanood la isla dhex-marayo, taas oo ay dadka qaar tuhunsan yihiin inuu garaad Abshir waxa uu siday waraaq uu kala yimi dhinaca madaaxweyne Rayaale, laakiin lama oga dulucda ay warqadaasi xambaarsan tahay iyo hadii ay jirto cidda ay khusayso.

Si kastaba wax haw jireene socdaalka garaad Abshir ee kediska ahi waxa uu dhaliyey tuhumo iyo warar dareen leh, iyadoo su’aalaha shakiga leh ee la iswaydiinayo ay ka mid yihiin: tolow garaadku muxuu kala kulmay Hargeysa iyo sidoo kale tolow maxay ahayd waxa uu qarinayey ee uu Hargeysa kala yimi, iyadoo ay waqtigan xaadirka ah magaalada laas-caanood ku sugan yihiin wefti culus oo isugu jira salaadiin, siyaasiyiin iyo duqay kale, kuwaas oo halkaa ka wada hawlo nabadgelyo iyo tur-xaansaar la xidhiidha beelo reer Sool ah oo ay colaadi dhexmartay, laakiin dhinaca kalena waxa ujeedooyinka socdaalka weftigaa ka mid ah wada xaajood siyaasiya oo ay la yeelanayaan hogaamiyayaasha reer Sool.

“Ninkii waarran xadhig ah hoosta ku sitow marka hore waxaan idiin sheegayaa inaan baarlamaankii Carta ka baxay”sidaa waxa yidhi garaad Abshir Saalax oo ka hadlaya xaflad lagu caleemo saarayey nin suldaan ah oo badhtamihii sannadkan ka dhacday degaanka Caynaba, wuxuuna garaad Abshir markaa hibanayey xadhig ay dawladda Somaliland ku xukuntay sannadkii 2000, isaga oo markaa ka soo laabtay shirkii dib-uheshiisiinta kooxaha Somaliya ee sannadkii 2000 lagu qabtay degmada Carta e dalka Jabuuti, taas oo laga qabtay madaarka Berbera oo uu socdaal ku marayey, laakiin markii la xukumay ka dib waxa lagu sii daayey cafis madaxweyne.

Kacaankii Dhergiga

Genaral NO:30:

J

anaraalkani waxa uu war-bixintiisa ku bilaabay:

“Aniga waxay ila tahay inuu dagaalkii ku soo af-jarmay wixii ka dhacay meesha la yidhaahdo AFABEET (Aagagga dagaalka Ereteriya).

Burburkii ka dhacay meesha la yidhaahdo AFABEET waxa uu ahaa ka keliya ee ciidamada adhaxda ka jebiyey, waxaana ku dhacday waq-cad aanay ka soo kici karin.

Ciidankii deganaa meesha la yidhaahdo Afabeet waxay ahaayeen niman hore dagaalo u soo galay, khibrad-na u leh taatikada geesinimada leh ee loo dagaalamo iyo isaga oo ciidankaasi ahaa ciidan tababar adag leh, isla markaana waxa uu ahaa ciidanka keliya ee aanu dhamaantayo ku faani jirey, laakiin ilaa hadda su’aasha keliya ee aan jawaab u la’ahay waxay tahay sidii ciidankaa looga guulaystay, wayna adag tahay in qunyar la iska yidhaahdo sababtu sidaas ayey ahayd iyo sideer ayey ahayd.

Inkasta oo ay xiligaa iska jirtey kala dambayn la’aan iyo kala daadsanaan ciidamada soo waajahday, hadana ciidankaasi waxa uu ahaa mid adag oo ay adkayd sida hawl yari looga guulaystaa.

Waxyaalaha la yaabka ah ee aan xusuusto waxa ka mid ah, madaxdii sarsare ee ciidankaasi way ogaayeen inay jabhaddii Ereteriya ee Shacbiya u diyaar garoobayso inay aagga Afabeet soo weerarto, isla markaana ciidanka adag ka sokow waxay haysteen hub ku fillan ama ka badan, laakiin waxa dhacday inay ciidamadii ka cararaan hubkii dhamaa ee Afabeet yaalay.

Guud ahaan ciidamada waxa ka muuqday kala daadsanaan iyo maamul xumo, sidaa darteed inkasta oo la yidhaahdo waxaanu leenahay boqolaal kun oo ciidana ah, hadana inta ciidankaa si daacad ah uga dagaal gelaysay kama ay badnayn ilaa shan iyo toban kun oo askari, isla markaana inta daacadda ah lafteeda si aanay u noqon ciidan xooggan oo cudud midaysan leh oo cadawgooda u jilib dhiga mid-ba meel ayaa lagu tuuri jirey. Tusaale ahaan ciidamadii dagaalami lahaa ee xoogga lahaa halkii ay meelo istaraatiji ah ka dagaal geli lahaayeen waxay ilaalinayeen biriijyada iyo tiirarka laydhka, isla markaana meelaha aanu dagaalka ku qaadaynay ma ahayn ubucda ciidamada cadawga ee waxaanu dagaalka ku qaadi jirey ciidamada meelaha cidhifyada ah ku meersan.

Marka laga hadlayo aqoonta iyo taatikada ciidamada waxa loo baahan yahay marka aad doonayso inaad weerar qaado waa inaad taqaan bartilmaameedkaaga, ka dibna waa in meelaha aad weerarayso aad kala horaysiiso oo aad taqaan halka aad ugu horaysiinayso, laakiin ciidankayagu waxay waqtigooda ku dhamaysteen sidii ay u ilaalinayeen biriijyada iyo tiirarka laydhka, taasina ma ahayn shaqada ciidan dagaal ku jira.

Dhibaatada kale ee jirtey waxay ahayd waqtiga oo nagu yaraa, taas oo aanaan haysan waqti aanu ku diyaar garowno ama ciidamada ugu diyaarino hawl-galada dagaalka, isla markaana ciidamadu uma ay tababarayn sidii loo baahnaa, sidaa awgeed waxaanu dagaal gelin jirey ciidamo kala daadsan, taasina waxay keeni jirtey kala qubnaan iyo hawl-gal dagaal oo aan isla haysan, taas oo uu ciidan waliba sida uu doono u dagaal geli jirey, sidaa darteed nooma ay suurta geli jirin inay ciidamadu cududooda dagaal mideeyaan oo ay iskaashadaan si ay cadawgooda isaga caabiyaan ama dhir-baaxo adag ugu dhuftaan, taana lama qorshayn.

Inkasta oo aanu haysanay ciidan ay tiradiisu gaadhayso ilaa 400,000 askari, hadana ciidamada sida u dagaalami karayey Kama badnayn ilaa 15000 oo askari.

Ta la leeyahay saraakiisha ciidamada dhexdooda musuq-maasuq balaadhan baa ka jirey ma wada sidiqayo, isla markaana ma wada beeninayo, sidaa darteed musuq-maasuqa saraakiisha ciidamadu ma ahayn wax ka duwan wixii ka jirey bulshada ay ku dhexjireen, isla markaana sida looga sheekeeyo uma uu balaadhnayn. Tusaale ahaan saraakiishayadu waxaanu inta badan deganayn guryo kiro ah.

Ta kale ee la leeyahay cadawgu waxa uu saraakiisha ciidamada siin jirey lacag taasi waa sheeko been ah, waayo anigu saraakiisha arintaa lagu xantay badidooda waan aqaan, waxaana ka mid ah: Musuwaa, Janaral Cali Xaaji, Jenaral Dilaahun iyo qaar kale, laakiin sheekada la leeyahay inta ay lacag qaateen ayey ciidamadii iibsadeen ma aha wax si hawl yar iiga dhaadhacay”.

Jenaral NO.3:  Jenaraalkanina waxa uu sheekadiisa ku bilaabay:

“Anigu ma aaminsani inay ciidamadii Itoobiya ka guulaysteen ciidamadii Shacbiya ama wayaalihii, taasna waxa ka wanaagsan aniga oo idhaahda ciidanka Itoobiya isagaa is jebiyey, waayo waxay ahaayeen ciidamada Itoobiya kuwo geesinimo agtooda taal, waxay ahaayeen kuwo aanu wadnahoodu galawda aqoon, isla markaana waxay ahaayeen kuwo leh taariikho qaaliya oo dagaal iyo geesinimo, sidaa darteed inta aanan horta si hawl-yar isaga odhan ciidamada Itoobiya waxa ka guulaystay jabhadii Shacbiya waxa marka hore loo baahan yahay inaynu wax ka fahamno dhibaatadii haysatay ciidamada. Ta kale hadii aynu aad ugu dheganaano maxay ciidamada Itoobiya u guulaysan waayeen oo aynu iswaydiino sidee bay ciidamada Itoobiya u awoodeen inay dagaalamaan muddo 17 sannadood ah. Laakiin maxaan u idhi 17 sannadood, waxaan taa uga jeedaa shacbiya waxay iska dhigaan niman waqti badan oo 30 sannadood ah soo dagaalamay. Tusaale ahaan gobanimo doonka Ereteriya waqtiga ay leeyihiin halganka ayaanu bilownay ee 1959-kii ilaa iyo toddobaadkii miyaanay basasku si caadi ah isaga gooshi jirin Adis-ababa ilaa Asmara ilaa Musawac iyo weliba gobolo kale oo ka tirsan Ereteriya, taasi miyaanay ahayn wax la xusuusto.

Sannadihii u horeeyey markii ay gobanimo-doonka Ereteriya bilaabeen “Ereteriya waa inay xor noqotaa, marka laga reebo tiro aad u yar dadka intooda badani wax taageero ah may siin, sidaa darteed sannado badan ayuu dhaqdhaqaaqoodu aad u yaraa, laakiin inay helaan taageerada Shacbiga waxa albaabka u furay Dhergiga. Waayo halkii laga shaqayn lahaa danta guud ee dalka iyo nabadda iyo weliba halkii laga soo celin lahaa khibradihii diblomaasiyadeed ee lunsanaa, dalkana nabad lagu soo dabaali lahaa ayuu Dhergigu bilaabay in ururadii gobanimo-doonka xoogga la saaro si loo baabi’iyo.

Dhibaatadaas oo dadka rayidka saamaysay ayaa cadho ku abuurtay kooda yar iyo kooda weyn intaba, taasina waxay sababtay inay dadkii shacabka ahaa hoosta ka galaan ururadii gobanimo doonka ahaa oo la saftaan.

Dadkii shacabka ahaa ee dharka cad iyo calanka Itoobiya inta ay soo lebistaan odhan jirey “Itoobiya ama dhimasho”ayaa mar qudha hoosta ka wada dusay oo falaagada u galay… La soco cadadka dambe.

Badheedhaha

W

aqtigii ay soo baxday lacagta u gaarka ah Somaliland, waxaa jiray fikrado kala duwan oo qaarkood ay muran gelinayeen sidii ay u hirgeli lahayd, laakiin lacagta shillinka Somaliland way hirgashay, waana lacag dammaanadeedu ka wanaagsan tahay shillinkii hore ee Somaliya oo noqday jaantaa rogan heer ay ka mid noqoto sida badeecadaha. Waxaase la yaableh, ganacsatada meelo ka mid ah Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka qaarkood oo aaminay lacagtii shillinka Somaliya oo aan lahayn Baan u gaar ah iyo maamul toona, runtii waa khasaare hagoogan aaminsanaanta lacag uu soo daabacay ganacsade kula mid ah oo aan lahayn Baan iyo maamul toona, sidii ay doonto ha ahaatee shillinka Somaliland waa lacagta isticmaalkeedu ugu xoog badan yahay Somaliland. Dhinaca kale, sidii shillin Somaliga waxaa isna daba-kaayo walba yaala Baasaboor Somali akhtar ah oo sifo ganacsi loo soo daabacay, kaasoo saxeexyadiisuna ay la mid yihiin sidaa lacagta oo kale mid aan la garanayn xafiis uu ka soo baxo iyo maamul saxeexa toona, waxaana la gudboon dadka reer Somaliland inay safarada u qaataan Baasaboorka sharciga iyo xafiis uu ka soo baxo leh ee Somaliland Passport. Waxaa amaan mudan weftigii ka koobnaa 13-ka xubnood ee dhowaan ka amba-baxay Hargeysa iyaga oo u safray Yugandha oo dhammaantood qaatay Baasaboorka Somaliland, sidaana ku tegay Yugandha. Weftigaas oo ay hoggaaminaysay wasiirka wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Bulshada ee Somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil, waa tusaale wanaagsan, laakiin waxaa loo baahan yahay in ganacsatada, aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta kale ee reer Somaliland ay dhiirigeliyeen isticmaalka Baasaboorka Somaliland, halka ay suuq siinayaan Baasaboorada aan lahayn xafiis maamula iyo dawlad uu ka soo baxay oo uu metalaayo toona.

Dhinaca kale, waxaa uga wanaagsan dawladaha ay safarada ku tagaan dadka Somaliland inay aqoonsadaan Baasaboorka leh maamulka iyo dawladda ee Somaliland, halka ay oggolaanayan Baasaboor suuqa wadhan oo qofku uu qaaadan karo safarkiiba mid cusub iyo magic cusub, haddii uu doono waa Baasaboorkii dawladdii burburtay ee Somaliya, arrintaas oo leh shaki abuuris wixii la doonayay in Baasaboorku caddeeyo.

Guud ahaan waa arrin u taala in muwaadiniinta Somaliland ay si buuxda u qaataan Baasaboorka Somaliland oo ay ku safraan tallaabadaas oo ah xoojinta dawlada Somaliland.

Wakhtiga Doorashada Kiiniya Oo La Cayimay

N

airobi (W.Wararka) - Gudiga doorashooooyinka ee Kiiniya ayaa qabtay 27ka bisha Diisamber ee soo socota inay noqoto wakhtiga ay dhacayaan doorashooyinka guud ee dalkaasi taasoo uu ka dib xilka ka degi doono Madaxweyne Daniel Arap Moi oo dalka Kiiniya xukumayay muddo 24 sanadood ah.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Kiiniya Samuwel oo ku dhawaaqay wakhtiga ay u qabteen doorashada ayaa ugu  baaqay dadka reer Kiiniya inay iska ilaaliyaan wax rabshada ah oo dhaca inta lagu jiro ololaha isaga oo intaa ku daray codbixinta  doorashadani in ay gaadhayaan 10.5 malyuun oo qof halka ay tirada dadkii ka qayb qaatay doorashadii 1997 ay ka ahaayeen 9 milyan oo qof.

Madaxweynaha Kiiniya ayaa kala diray baarlamaankii dalkaasi maalintii jimcihii si uu wadada ugu baneeyo doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaanka dastuurka cusub ee Kiiniya ayaa dhigaya laga bilaabo marka la kala diro baarlamaanka in doorashoooyin cusub lagu qabto muddo saddex bilood gudahooda.

Madaxweyne Moi oo ay haatan da’diisu tahay 78 sano dalkaasina soo xukumayay muddo 24 sanadood ah ayaa doorashadan ka dib ka degi doona jagada madaxtinimada isaga oo u soo sharaxay inuu beddelo Uhuru Kenyata oo uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalkaasi, balse taasi waxa ay keentay kala jajab xisbiga xukuma

Dalkaasi.

Mucaaradka dalkaasi oo ku kale qaybsanaa dhinaca siyaasada ayay taasi faa’iido u keentay xisbiga talada dalkaasi haya.

Dastuurkii loo sameeyay Kiiniya 1992 ayaa dhigaya in Madaxweynuhu uu talada hayn karo laba jeer oo min 5 sano ah.

Dadkii Ku dhintay Hawl galkii ciidamda Ruushka

M

oosko (W. Wararka) Dadweynaha ku nool dalka Ruushka ayay shalay u ahayd maalin murugo iyadoo loo dareeray aaskooda dadkii ku dhintay tiyaatarkii ay Kooxda dablayda ahi afduubka ugu haysteen kuwaasoo ay tiradooda gaadhayso 450 qof, kuwaasoo ku dhintay markii ay Ciidamada amaanka ee Ruushku sun halis ah ku  isticmaaleen afduubayaashii iyo dadkii ay  haysteenba.

Aaskan oo ay ka qayb dadweyne aad u tiro badan dadkii ku dhintay suntaasi kuwaasoo ay ka muuqatay murugo xooglihi iyadoo dadka u dhashay gobolada iyo degmooyinka ka baxsan caasimada Moosko diyaarado loogu qaaday deeganadoodii halkaasoo uu aaskoodu ka dhacay.

Aaskan dadka dhintay waxa uu dhacay iyadoo uu muran ka taaganyahay nooca ay ahayd sunta ay ku isticmaaleen tiyaatarka uu afduubku ka dhacay balse waxa socda baadhitaan arrintaa lagu ogaanayo.

Dawladaha reer galbeedka oo ay ugu horeyso dawladda Maraykanku ayaa werwer ka muujiyay sunta ay isticmaaleen Ciidamada Ruushku, iyaga oo codsaday in baadhitaan arrintaa lagu sameeyo iyadoo ay dawladda Ruushku diiday inay sheegto nooca ay tahay sunta ay isticmaashay, taasoo ay ka qarisay xiitaa dhakhaatiirta ku hawlan daweynta dadka dhaawaca ee yaalla cusbitaalada dalkaasi, oo ay xaaladoodu aad u xuntahay wararka shalay kasoo baxay cusbitaalada dalkaasi ayaa sheegay in dad gaadhaya 333 oo ka mid ahaa dadka dhaawacan ay ka tageen cusbitaalada dalkaasi, halka ay dad gaadhaya 311 qof ay weli ku  jiraan xaalad halis ah.

F.M-ta Hargeysa oo Ciladi Ku Timid

H

argeysa (Haatuf): Tan iyo bishan October 2okeedii waxa hawada ka baxay mawjada FM-ta laga dhagaysan jiray Idaacada BBC-da taasoo sababta ay u  aamustay ay dadweynuhu isweydiinayeen iyadoo aanay wax war ah hore uga soo saarin Madaxda Wasaarada warfaafintu mawjada FM-ta ee BBC-da oo rasmi ahaan loo furay dabayaaqadii bishii March ee sanadkan xaflad ballaadhan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ayaa ahayd mid 24 sacaadoodba ay dadweynuhu ku dhagaysan jireen wararka iyo barnaamijyada Idaacada BBC-da ee ku baxa luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga, iyo Soomaaliga oo wakhtiga loo qaybin jiray, taasoo ay dadweynuhu tabeen madadan ay aamusnayd.

Afhayeen shalay u hadlay Wasaarada Warfaafinta oo ka hadlay sababta ay u aamustay mawjada FM-tu ayaa ku tilmaamay inay ka dhalatay cilad xaga farsamada ah oo ku timid qalabka u soo gudbiya FM-ta Hargeysa haatana lagu jiro sidii loo cilad Saar lahaa.

Warsaxaafadeed ay Wasaarada warfaafintu arrintan kaga hadashay oo xalay nasoo gaadhay waxa uu u qornaa sidan

“Waxa jirta in 20kii bishan saacadu markay ahayd 11:00 barqanimo ay istaagtay socodka Idaacada FM-ta ee BBC-London, taas oo ciladi ku timid qaybtii Satellite-ka u soo gudbinaysay FM-ta Hargeysa.

Waxaana lagu jiraa hawshii farsamo iyada oo ay wada xidhiidheen farsamoyaqaanada BBC-da iyo kuwa Radio Hargeysa, si loo cilad saaro,

Sidaa darteed, waxa aanu hore u ogaysiinay dadweynaha dhagaysan jiray FM-ta BBC-da in la cilad saarayo dhawaana la kicin doono, waxaana lagu gudo jiraa hawsheedii”

Hogaamintu waxay u Baahantahay U Jajabnaan

Go’aan qaadashada waa imtixaanka aasaasiga ah ee maamulka Maxaa yeelay u go’aan ka gaadhista arrinka horyaala iyo kartideeda dhacsiinta dadka kale may aqbaleen go’aankaaga waa waxyaabaha saldhiga u ah guulaysiga hogaaminta ma suurawdo in qof kasta hogaamiye noqo Maxaa yeelay jagooyinkii kale ayaa u baahan dadka shaqeeya ilaahii dadka abuuray wuxuu siiay adoomadiisa kartiyo kala duwan si jago kastaaba lagu helo qof munaasib ku ah.

Go’aan qaadashaduna waa nidaam ku dhisan cilmi una baahan dad karti iyo awood u leh. Haddii aad wariye dhacdooyin u noqon lahayd, wargeys gudoomiyahaagu mar kasta wuxuu hubsan lahaa inaad ka jawaabtay Shan su’aalood oo udub dhexad u ah go’aanka toosan oo kala ah waa kuma? Waa maxay? Waa Xagee? Waa goorma? Iyo waa sidee?

Marka aad go’aan gaadhayso aad isaga hubi inaad ka jawaabtay shantan su’aalood, waxa laga yaabaa inaan dadka qaarkii dheg u dhug siin lahayn markay wax falayaan inay shaki la’aan isqanciyaan. Laakiin waa nidaam caqli gal ah oo waxtar leh.

Haddii ay kuu suurta gasho inaad ku dhaqantid mabaadida shantan su’aalood ay xambaarsan yihiin waxaa koobtay aasaaskii maamulka oo dhan Maxaa yeelay go’aan qaadashada waxaa ku dhan aasaaska hogaamintoo dhan. Madaxda shaqo fulinta iyo   hogaamiyayaasha siyaasada ayaa waxaa lagu tilmaamaa kuwa dunida ugu go’aan qaadasho badan sidaa darteed hogaaminta iyo dadnimo, hay’ada Liibaansan waxaa hogaamiya dad sifooyinkaa leh.

Maxaa yeelay dad aan sifooyinkaa laga helayni kuma dhacaan inay go’aan adag gaadhaan Maxaa yeelay inay qofna ka cadhaysiiyaan, laakiin sida runta ah dadkii oo dhan bay ka cadhaysiiyaan sababtoo ah haddii aan arrimaha lakala goyn oon mashaakilka la xalin dadku kala socon maayaan hadal iyo murti hogaamintu waxay u baahantahay u jajabnaan aragti fog iyo fiira dheer.

Maxamed Ibraahim Sagax Hargeysa

Dugsiga Sare Ee Sheekh Oo Qaatay Manhajka Caalamiga Ah Ee GCSE

S

heekh (Haatuf): Ka hor intii aanay hay’adda SOS soo gebagebayn mashruucii dib-udhiska iyo dib-uhabaynta Dugsiga sare ee Sheekh, waxay hay’addu u kuurgashay sidii loo heli lahaa qofkii ku haboonaa inuu maamule (Principle) ka noqdo Iskuulka waxaanay SOS aakhirkii ku guulaysatay inay hesho nin xilkaas gudan kara oo magaciisa la yidhaahdo Dick Eyeington oo muddo 32 sanadood ah ku noolaa dalka Swaziland oo ku yaalla Afrika dhinaceeda Koonfureed.

Mr. Eyeington iyo marwada uu qabo ee Enid waxay hadda labaduba ku suganyihiin magaalada Sheekh waxaanay ku degenyihiin aqalka loogu talo galay maamulaha Dugsiga ee dhinaca bari ku yaalla dhismaha weyn ee Dugsiga. Dick Eyeington waa nin muddo dheer maamule ka soo ahaa dugsi ka caan ah mandaqada Afrikada Koonfureed oo magaciisa la yidhaahdo “United World College”.

Dugsigan oo ah nooca loo yaqaan Boarding-ka (Waxbarasho iyo  hoy isku jira) kuna yaalla dalka Swaziland waxay sumcadiisu adduunka aad ugu fiday waqtigii uu socday halgankii gobonimo doonka ahaa ee dadka reer Koonfur Afrika kula jireen nidaamkii midabtakoorka ku dhisnaa (Apartheid) ee dalkaas ka talin jiray, waqtigaas oo ubad ay dhaleen xubno ka mid ah ururka ANC sida Nelson Mandela, Dasmond Tuto, Sososuli iyo xataa Madaxweynihii geeriyooday ee dalka Mozambique, Samora Misheel, waxay ka baran jireen dugsigaas iyada oo ay  halkaas bideen amaan iyo waxbarasho ahaanba.

Mr. Eyeington wuxuu sanadihii dambe noqday xafiiska SOS ku leedahay dalka Swaziland.

Haddaba mar maalintii axadii dhaweyd ay wariyayaal ka tirsan Shabakada warbaahinta ee Haatuf la kulmeen Mr. Eyeington isaga oo jooga xarunta Dugsiga sare ee Sheekh, waxa uu uga waramay sidii uu Somaliland ku yimid iyo sida uu noqonayo nidaamka waxbarasho ee dugsigu, waana tan warbixin aanu ka diyaarinay waraysigaasi:

Mr Eyeington oo ka sheekaynaya imaatinkiisii Somaliland wuxuu sheegay in ka dib markii ay hay’adda SOS ku faafisay jaraa’idka dibadaha shaqada noocan ah hay’addu iyadoo baadi doonkooda ku jirta la soo xidhiidhay si uu uga caawiyo helitaanka shakhsi buuxin kara jagada maamulaha Dugsiga sare ee Sheekh, oo markaas u sheegay hay’adda SOS inuu eegi doono bal inu qaban karo hawshan iyo in kale.

Haddaba mar u Mr. Eyeington uu Ashcari kula kulmay magaalada Nairobi si u uga wareysto xaaladda guud ee ka jirta Somaliland halkaasna Ashcari warbixin ididiilo leh kaga siiyay duruufta ka jirta dalka, kadibna , nin Ingiriis ah oo la yidhaahdo Dallington reer Somalilandna ula baxeen Gacmo dheere oo isagu maamulaba muddo dheer ka ahaa Dugsiga sare ee Sheekh, waxa Mr Eyeington halkaas kaga baxay walaacii ka haystay inuu tago meel aanu aqoon hore u lahayn.

Dabeetana sidaas ayuu Mr. Eyeington ku yimid dalka Somaliland, reerkiisana ugu soo raray magaalada Sheekh.

Haddaba Mr. Eyeington oo ka hadlay dhinaca ku talo galka waxbarasho ee dugsiga, wuxuu sheegay in Manhajka dugsigu ku salaysnaan doono nidaamka caalamiga ah ee loo yaqaano IGCSE (General Certificate of Secondary School) ee ay jaamacada Cambridge ee dalka Ingiriiska “ujeedadu waxa weeye in dugsiga sare ee Sheekh noqdo kii ugu horeeyay ee la gaadhsiiyo heerka caalamiga ah ee ardayda ka baxda u suurto galin kara inay sii wataan tacliintooda sare ilaa heer jaamacadeed”

Sidaas waxa yidhi Mr. Eyeington isaga oo intaas ku ladhay in arrimaha la xidhiidha barnaamijka waxbarasho ee dugsiga ay iskaashi kala leeyihiin Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Dhinaca kale Mr. Eyeington wuxuu sheegay inay damacsanyihiin in Dugsiga la furo horaanta sanadka fooda inagu soo haya laguna bilaabi doono 50 arday balse qorshaha mustaqbalku yahay in tirada ardayda sanad-dugsiyeedka la gaadhsiiyo 200 (laba boqol) oo isugu jira hablo iyo wiilal iyada oo ay halkaas ku jiri doonaan 4 sanadood oo waxbarasho ah.

Sida maamulahu sheegay ardaydu kuma ekaan doonaan Waxbarashada caadiga ah oo kaliya ah balse waxay ka qayb qaadan doonaan hawlaha samafalka horumarineed ee ka socda deegaanada taas oo looga jeedo in ardayda lagu beero shucuurta wadaniga ah oo aanay uga dhexbixin bulshada dalkooda.

Ardayda loo qaadanayo Iskuulka waxa laga soo xuli doonaa ardayda ugu dhibcaha sareysa imtixaanka sanad-dugsiyeedka u dambeeya ee Waxbarashada dhexe, arrintaas oo Mr. Eyeington sheegay inay kala kaashanayaan Wasaaradda Waxbarashada.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in haddii xulka ardayda la isugu ururiyo Dugsiga Sheekh, inay arrintaasi saamayn karto heerarka waxbarasho ee dugsiyada kale iyo in kale, wuxuu Mr Eyeington yidhi “In Iskuul kuwa kale ka dhex muuqdaa waa arrin adduunka oo dhan ka jirta, waana mid loo baahanyahay inay jiraan dugsi ama dugsiyo sare oo ay ku hirtaan ardayda dugsiyada hoose”

Mr. Eyeington oo mawduucaasi ka sii faaloonaya wuxuu intaasi ku daray “waxa muhiim ah in dalkasta lahaado bartilmaameedyo tusaale u noqon kara waxa wanaagsan oo inta kale ku dayan karto. Sidaas darteed wanaag mooyaane ma arko xumaan ka dhalan karta haddii ardayga dedaalkiisu gaadhsiiyay inu keeno dhibcaha ugu sareeya kolkaas lagu abaal mariyo inuu wax ka dhigto dugsiga sare ee Sheekh.

Taariikhdii Iyo saameyntii  Maraakiibta Diyaaradaha Xambaara (Air Craft Carier)

Q

aybtii hore ee qarnigii 20aad ayay ahayd markii ay dunida ka bilaabantay isticmaalka maraakiibta badda oo leh awooda aany saldhig u noqdaan diyaardaha oo ay ka duuli karaan dushooda, fadhiisana karaan, bishii November 1910 ayaa duuliye ka hawlgali jiray duulimaadyada rayidka oo la odhan jiray Eugene Ely ayaa markii ugu horeysay kaga duulay qabcad si gaara looga sameeyay markab loo yaqaanay Birmingham waxaanu ku duulay diyaarad, taariikhdii la sameeyay duulimaad kale oo ay diyaaradi  ku degto markab dushii ayaa iyana ahayd bishii  January 1911kii oo ka dhacday gacanka Sanfrancisco markii uu duuliyihii hore ee diyaarada ka kiciyay markabka dushiisa  uu  taariikhdan ku guulaystay in uu diyaarad fadhiisiyo markabkaa uu dul fadhiisiyay oo la odhan jiray Pennslvania, kabtan Eugene Ely wuxuu isticmaalay farsamooyin iyo geerar dheeraad si uu diyaarada u fadhiisin karo markabka dushiisa, isla markabkii uu diyaarada fadhiisiyay ayuu isla taariikhdaa  ku guulaystay kabtan Ely inuu haddana ka duuliyo diyaarada markabkii uu hore ugu dejiyay.

Dhinaca Ingiriiska waxaa ka socday tijaabooyin la xidhiidha maraakiibta xambaara diyaaradaha ee ay ka duuli karaan fadhiisana karaan diyaaradaha dagaalku xiligii uu socday dagaalkii koowaad ee dunidu, laakiin markabkii dagaal ee xanbaara diyaaradaha dagaal wuxuu ku biiray Ciidamada badda ee boqortooyada Ingiriiska sanadii 1918kii, laakiin dagaalkii koowaad wuxuu dhamaaday intii aanu ka qayb galin, markabka ku soo biiray Ciidamada badda ee boqortooyada Ingiriiska oo lagu magacaabi jiray A.M.S Argus.

Markabkan Argus oo markii hore loo sameeyay sidii markab qaada alaabta Ganacsiga wuxuu ka mid noqday saddex markab oo ka mid ah kuwa diyaaradaha qaada oo sameynteeda la bilaabay sanadkii 1917kii.

Si rasmiya ayuu sanadii 1922kii ugu soo biiray Ciidamada badda ee maraykanka diyaaradaha xambaare lagu magacaabo “Langely”, Japan ayaa iyaguna hawl galiyay markab qaada diyaaradaha oo lagu magacaabi jiray “Hosyo” sanadkii 1922kii bishii December.

Maraakiibta “Argus” Langely” iyo  “Hosyo” ayaa noqon kara farsamada hirgashay ee diyaaradaha ka dul haada maraakiibta u ah saldhiga.

Dagaalkii labaad ee adduunka aad ayay uga qayb galeen dagaalka, waxaanay noqdeen saldhigyada qaybta ka ahaa dagaalkaas ee la iska weeraray, waxaana la dejiyay dagaalkii labaad ee adduunka ilaa 47 markab oo ah kuwa diyaaradaha xanbaara, siyaalo Jabaan kala duwan uga ba’bay (21) markab oo ah kuwa diyaaradaha xanbaara. Ingiriiska iyagana waxaa khasaarooyin kala duwani gaadhay (10) markab ah kuwa diyaaradaha qaada, maraykanka waxaa iyagana kaga lumay dagaalkii labaad ee adduunka 11 markab oo ah kuwa xambaara diyaaradaha.

Laba iyo afartankaa (42) markab ee ahaa kuwa diyaaradaha xambaara waxaa keenay burburkooda weeraro kala duwan iyo shilal dhacay intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka Sida: weerar uu qaaday gujisyo ah kuwa bada hoosteeda quusa, markab kale oo weeraray, diyaarado weeraray iyo shilal la kulmay mararka qaarkood.

Isticmaalka maraakiibta qaada diyaaraduhu waa gacan weyn oo wakhtigan ka mida kuwa ay hawlaha milatari u adeegsadaan dalal leh laxaad milatari ee dunidu.

Garaad Abshir Saalax