Haatuf News

Shir-hawleed laga furay hargeisa

H

arg (Haatuf): Shir-hawleed ku saabsan sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen dhakhaatiirta caafimaadka iyo culimada diintu marka la eego wacyi-gelinta arrimaha caafimaadka oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda caafimaadka u qaabilsan adduunka ee W.H.O, ayaa shalay ka furmay xarunta jaamacadda Hargeysa.

Munaasibaddii furitaanka shir-hawleedkan waxa ka qaybqaatay wasiirka caafimaadka ee Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, Agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Sh. Maxamed Axmed Cali, wakiilka hay’adda WHO ee Somaliland Ibraahim Baytu-maal, aqoonyahano dhinaca caafimaadka ah iyo culimaa’udiin farabadan.

Wasiirka caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo furitaankii shir-hawleedkan ka hadlay ayaa ka warramay doorka ay culimaa’udiinku ku leeyihiin wacyigelinta dhinaca caafimaadka iyo sida loogu baahan yahay inay culimada iyo dhakhaatiirtu iskaga kaashadaan arrimaha caafimaadka.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray sida ay ku dhaqanka diinftu door-weyn uga qaadato kahor-tagga, isaga oo caddeeyay inaanu isku mid ahayn qofka diinta ku dhaqan iyo qofka kale. Ugu dambayna waxa uu wasiirku u mahad-naqay wakiilka hay’adda WHO Ibraahim Baytumaal oo isagu soo qaban-qaabiyay aqoon-isweydaarsigan agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaata oo isan halkaa hadal ka jeediyay ayaa ka warramay doorak ay culimadu ku leeyihin la dagaalanka iyo ka hortagga cudurada.

Kulan hawleedkan waxa ay culimada iyo dhakhaatiirtu iskula eegi doonaan sida ay arrimaha isaga kaashan lahaayeen, gaar ahaan cudurada faafa ee xuduudaha isaga tallaaba.

Arday reer burco ah

H

arg (Haatuf): Kulan aqoon-isweydaarsi ah oo dhexmaray dugsiyada sare ee Faarax Oomaar (Hargeysa) iyo Sh. Bashiir (Burco), ayaa maalintii Khamiistii lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda Hargeysa, munaasibadan oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda waxbarashada, ardayda labada dugsi, iyo marti-sharaf kale oo badan, waxa hadal ka jeediyay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xuseen Cilmi oo ka warramay ahmiyadda ay kulanada noocan ahi u leeyihiin ardayda, isaga oo intaa ku daray in wasaaradad waxbarashadu soo dhaweynayso is-dhexgalka ardayda iyo sare u qaadista aqoontooda kadib waxa bilaabmay kulanka aqoon-isweydaarsiga ah ee dhexmaray ardayda labada dugsi, kaas oo ku dhammaadxay dugsiga sare ee Faarax Oomaar oo keensaday siddeed iyo toban iyo badh dhibcood iyo dugsiga sare ee Sh. Bashiir Burco oo keensaday saddex iyo toban iyo badh dhibcood.

Aqoon-isweydaarsigani wuxuu ka dambeeyay markii ay ardayda dugsiga sare ee Sh. Bashiir booqasho ku yimaadeen Hargeysa, iyaga oo ka soo baqoolay Burco. Haddaba xalay ayay ardayda Reer Burco nasoo gaadhsiiyeen bayaan qoraal ah oo ay kaga warramayaan socdaalkoodan iyo sidii uu u dhacay, waxaanu u qornaa sidan;

Waxaanu u mahad-celinaynaa BIRSOL

“Waxaanu si ballaadhan ugu mahad-celinaynaa dhammaan ururka BIRSOL, khaasatan guddoomiyahooda Cumar Carte Qaalib, waxaanu leenahay Cumar abaalkaad noo gashay Ilaahay hakaa jasaa’isiiyo, ardayda reer Faarax Oomaarna abaal weyn baanu u haynaa.

Anagoo ka imanay magaalada Burco ahna arday ka socotay dugsiga sare ee Sheekh Bashiir (Burco), waxaanu magaalada tan Hargeysa soo galnay fiidkii 28-kii bishii ina dhaaftay ee October, tiradayada guudna waxay dhammayd 77 arday, waxaanu ku degnay dugsiga sare ee Faarax Oomaar, halkaas oo ilaa 9:00 pm uu naga kaxeeyay wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo aanu gurigiisa seexanay. Aroornimadii arbacadii waxa noo suurtoobi weyday aqoon-isweydaarsigii aanu u nimid, intaa kabacdi ma ay jirin cid mas’uuliyaddayadii qaaday, waxa iskii isku xilqaamay muwaadin reer Somaliland ah oo la yidhaahdo Xasan Xaydh oo na geeyay guri uu mas’uul ka yahay, ardaydii Faarax Oomaarna gololbay noogu keeneen.

Intayadaas oo arday ee uuna mid qudhi garanayn xaafad uu tago wiig kahorna aanu soo hadalnay oo la ogaa imaatinkayaga, waxaanu isku soo hallaynay waxay ahayd xukuumadda Somaliland, wax martiqaad ahna kamaanu helin, magaalada Burco oo gobol ahna dawladeeda hoose oo qudha ayaa martiqaada arday iyo ciyaartoy ka socda Hargeysa, halka aanu caasimaddii dhammayd oo lagu dhan yahay, ha noqoto wasaarada waxbarashada iyo mid kaleba ay BIRSOL oo qudhi na qaabishay, ilaa maalintaan nimid ilaa Jimcihii dhowaa oo aanu tagnay.

Dadweynow dadka inyar baa is odhanaysa BIRSOL magac bay ka doonaysaa qaabilaada ardayda, ma shaqadii xukuumadad ayay qabatay oo jeebkooday nagu martiqaadeen, mise magac bay doonayaan?

Hadaba waxaanu hadalkayaga ku soo gebogebaynaynaa “Gob la iskama dhigo ee waa loo dhashaa.”

Siciid Dubad Cali, Guddoomiye

C/khaliif Cali Daahir, G/xigeen

Madaxweyne Rayaale oo la kulmay danjiraha Libya

H

argeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dawladda Liibiya u qaabilsan dhul-weynihii hore loo odhan jirey Jamhuuriyadda Somaliyeed (Somaliland & Somaliya) oo ah ninka la yidhaahdo Al-Seyid Ciise Cashuur, waxayna labada masuul ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin qadiyadda madax banaanida Somaliland, xaaladda siyaasadeed ee mandaqadda iyo mashaariic ay dawladda Liibiya hore ugu ballan-qaaday Somaliland, laakiin aanay ilaa hadda waxba ka fulin iyo weliba arimo kale.

War-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris Ducaale ayaa lagaga waramay waxyaalihii ay ka wada hadleen madaxweyne Rayaale iyo danjiraha Liibiya Al-Seyid Ciise Cashuur, wuxuuna danjiruhu ugu horayn madaxweyne Rayaale u gud-biyey salaan uu sheegay inuu uga sido hogaamiyaha Liibiya Kornayl Mucamar Al-Qadaafi, isla markaana waxa uu danjiruhu intaa ku daray inay dawladda Liibiya diyaar u tahay xidhiidh wax wada qabsi oo dhexmara Liibiya iyo Somaliland. (Liibiya waxay diyaar u tahay inay gacan siiso shacbiga walaalahooda”ayuu yidhi danjiruhu, laakiin madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa uu dhiniciisa yidhi “Labada shacbi muddo qarniyo ah ayey is yaqaaneen, xushmadna waanu u haynaa shacbiga iyo hogaamiyaha Jamaahiiriyadda Liibiya, hase yeeshee dhiniciina idinkama hayno taageeradii aanu idinka mudnayn”. Laakiin madaxweyne Rayaale waxa uu ka hadlay ballan-qaadyadii dhinaca horumarinta ee ay dawladda Liibiya hore u sheegtay inay ka fulinayso Somaliland, laakiin aanay ilaa hadda waxba ka qabsoomin, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen mashruuca Tog-wajaale, Wershadda daqiiqda, Wershadda Sibidhka iyo dhinaca ganacsiga xoolaha oo ay Liibiya hore u sheegtay inay maal-gelin ku samaynayso. “Hadii ay iskaashiga labada dal xanibtay qadiyadda gooni isu taagga Somaliland, taasi waa doonista shacbiga oo ka noqosho iyo gorgortan ma laha”ayuu ku yidhi madaxweyne Rayaale danjiraha Liibiya, laakiin waxa uu intaa ku daray “Waxaanu qabnaa in furaha xal u helidda dhibaatada Somaliya ay tahay aqoonsiga Somaliland, maxaa yeelay cid walba anagaa uga xog-ogaalsan ubucda mushkiladda Somaliya”. Hase yeeshee madaxweyne Rayaale isaga oo tilmaamaya waxyaalaha ay Liibiya uga baahan yihiin hadii ay doonayso inay gacan siiso Somaliland waxa uu yidhi “Liibiya ugama baahnin lacag jeebka lagu shubto iyo hub toona, laakiin waxaanu uga baahanahay maalgelin mashaariicda wax soo saarka ah, shaqo abuurid, horumarin dhinaca dhaqaalaha ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo daryeelka arimaha bulshada”. Hase yeeshee sida uu war-saxaafadeedku sheegay danjiruhu waxa uu madaxweyne Rayaale ugu waramay si saraaxad leh, wuxuuna yidhi “Aniga oo fulinaya ballan-qaadyadii hogaamiye Mucamar Al-Qadaafi iyo wasiirka Liibiya u qaabilsan arimaha Afrika waxaan ballanqaadayaa inaan ku dedaali doono ka midho dhalinta iskaashiga labada dal”.

Ugu dambayna waxa la sheegay inuu danjiraha Liibiya madaxweynaha Somaliland ka sii qaadi doono dhambaal uu gaadhsiin doono hogaamiyaha Liibiya.

Dhinaca kalena madaxweyne Rayaale waxa uu isla shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Findland ee waqooyiga Yurub oo sida uu war-saxaafadeedka afhayeenku sheegay booqasho sharaf ugu yimi madaxweynaha, weftigaas oo isugu jira xubno ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee dalka Finland iyo xubno kale oo ka kala socda Wasaaradaha arimaha gudaha iyo arimaha shaqada iyo weliba urur la yidhaahdo ururka badbaadada caruurta dalka Findland, waxaana xubnaha weftigaa ka mid ag Maxamed Cabdi Fawsi oo ka tirsan jaaliyadda Somaliland iyo Mr.Jari Virtanen oo ka mid ah saraaakiisha Finland.

Weftigaasi waxay madaxweyne Rayaale uga warameen ujeedada socdaalkooda, iyaga oo sheegay inay muddo laba toddobaad ah joogi doonaan Somaliland, laakiin war-saxaafadeedku tafaasiil kama bixin ujeedada ay weftigaasi Somaliland u yimaadeen. Hase yeeshee madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo weftigaa la hadlaya ayaa yidhi “Dawladda Liibiya iyo dalalka kale ee EU-da waanu uga mahad naqaynaa martigelinta dadkayaga qaxootiga ah ee dalalkooda jooga, laakiin dadkayaga debedaha jooga anaga ayaa idinka jecel inay dalkooda yimaadaan oo ay wax ka dhistaan, balse maanta xiligeedii ma joogo oo intii halkan joogtay ayaa camal u baahan, waxayse wax tar noogu yihiin debedaha ay joogaan ”, wuxuuna madaxweynuhu weftigaa u sheegay inuu soo dhowaynayo imaatinkooda, taas oo uu imaatinkooda ku tilmaamay inay ogaanayaan xaqiiqda ka jirta Somaliland.

Go’aamadii beelaha Laas-caanood

L

aas-caanood (Haatuf): Khamiistii toddobaadkii ina dhaafay ayey guddi wada jir ah (Weftiga & xubno reer Sool ah) oo in muddo ah ku dhexjirey laba beelood oo reer Sool ah oo ay colaadi dhexmartay soo saareen go’aamo kama dambays ah oo ay ku soo af-jareen xal u helidda mushkiladdaa, waxayna guddigaasi xaflad lagu qabtay magaalada Laas-caanood kaga dhawaaqeen go’aamo sideed qoddob ah oo ah natiijada gar-qaadkii labada beelood, iyadoo ay labada beelood kala yihiin: (Fiqishini iyo reer Cilmi), kuwaas oo mudadii ay colaaddu ka dhex-socotay ay iskaga dhinteen ilaa 15 nin . Qoddobada boonka ah ee la kala dhexdhigay labadaa beelood waxay kala yihiin:

Qoddobka 1aad: Ugu horayn xeer-beegtidu waxay isku waafaqday inay labada ardaa ee reer Cilmi iyo Fiqishini ay keenaan ka dibna ay isku wareejiyaan furkii ay kala hayeen ee ay isu qirteen, kaas oo loo kala leeyahay.

(A)- Hal baabuur oo ah MarkII iyo 3 qori oo ah AK47 waxay ka maqnaayeen ardaaga Fiqishini.

(B)-Hal qori oo ah AK47 waxa leh oo uu ka maqnaa ardaaga reer Cilmi.

Qoddobka 2aad: Xeerbeegtidu waxay go’aamiyeen in jifida lagu kala xukumay ee hoos ku qoran ay ku bixiyaan laba bilood oo ka bilaabma Nofembar1ilaa mudada jifi bixinta loo xadiday:

(A)- Tirada jifidda ee laga rabo reer Cilmi waa 9 ninX43 Halaad= 387 Halaad.

(B)- Fiqishin jifida laga rabaa waa 6ninX43 halaad= 258 Halaad.

(C)- Reer Cilmi waxa kale oo lagu xukumay mag qubane ah oo ah saddexda ee dheeraadka oo magtoodu tahay 201 halaad, waxayna magtaa ku bixinayaa muddo lix bilood ah oo ka bilaabmaysa kowda Nofembar.

(D)-Jifida waxa lagu soo diyaarinaya, lagulana kala wareegi doonaa magaalada Adhi-cadeeye marka waqtigeeda la gaadho.

(E)-Dhaawacyada labada dhinac oo ay tiradoodu dhan tahay 21qof waxa la isla gartay inay dadkaasi yimaadaan marka jifida la bixinayo si shareecadda loogu xaqo, qofkii waqtigaa la waayona waxa loo aqoonsanayaa inaanu waxba qabin.

Qoddobka 3aad: Marxuumad Xaawa Ducaale Diiriye oo la cadeeyey inay ku dhimatay xabadihii ay labada ardaa iswaydaarsadeen waxay xeerbeegtidu ka xukuntay inay qolo waliba bixiso min 25 Halaad mar hadii aan dilka marxuumadaa cidna lagu cadayn karin.

Qoddobka 4aad: Labada nin ee kala ah Axmed Warsame cabdi iyo Cawil Dubad Goos ee ay racfaanka ka soo qorteen reer Cilmi xukunkii hore xeerbeegtidu waxay ku raacday dhaartii hore ee ay 33 nin ee Fiqishini ku mareen inaanay qabin dhagartaas.

Qoddobka 5aad: Xeerbeegtidu markii ay dib u deristay, isla markaana ay akhriday go’aamadii xukun ee hore looga gaadhay arinta labada ardaa waxa cadaatay inuu ardaaga Fiqishini jebiyey heshiiskii oo ay dileen marxuum Axmed Cabdi Geelle, sidaa darteed waxa lagu xukumay boon jebintii oo ah 50 halaad oo ay ku bixinayaan mudada magta qubanaha ah lagu bixinayo.

Qoddobka 6aad: Dilka Sh. C/laahi C/raxmaan Xasan xeerbeegtidu wax dheeraad ah kama ay xukumin, mar hadii ninkii dilay iyo rag kaleba la laayey dhimashadiisii ka dib.

Qoddobka 7aad: Xeerbeegtidu waxay go’aamisay inay qolo waliba dib u dhabdhabato hantidii ma Guurtida ahayd ee waxyeeladu gaadhay, waana inay labada ardaaba ku noqdaan degaamadii ay wada lahaayeen iyaga oo nabad ah.

Qoddobka 8aad:  Xeerbeegtidu iyadoo dib xog-ogaal uga noqotay in reer Cilmi iyo Bah-idarays ay dagaalka Fiqishini si midaysan u wada galeen maalintii ay dhinteen labada nin ee dheeraadka ah ee ku xusan qoddobka 2aad, xarafkiisa (A & B) waxay jifida iyo qubanah magta labadaa nin u kala badhan tahay reer Cilmi iyo Bah-idarays, sidoo kalena waxa Ardaaga Bah-idarays laga rabaa qori AK47 oo ay maalintaa furteen.

GO’AANKA XEER-BEEGTIDA

= Xeerbeegtidu markii ay dhaariyeen Saxeexna ay ka qaadeen 42 Nin oo isugu labada beelood ee ay dhibaatadu dhexmartay (reer Cilmi & Fiqishini).

= Xeerbeegtidu markii ay dhegeysteen doodii labada dhinac ee ay qolo waliba ku cadaynaysay arimaha ay u sheeganayso ardaaga kale oo kala ah, sida: Dhimasho, Dhaawac iyo hanti.

= Xeerbeegtidu markii ay heleen qiraaladii ay labada ardaa u soo gud-biyeen oo faahfaahsan.

= Xeerbeegtidu markii ay ogaadeen in dad kale oo aan ahayn labadaa qolo ay ku dhinteen xabadihii ay isku ridayeen labada ardaa ee dagaalamayey, dadkaas oo ay ka mid ahayd Marxuumad: Xaawa Ducaale Diiriye.

= Xeerbeegtidu markii ay dib u derseen heshiiskii iyo boonkii uu xanbaarsanaa ee hore looga gaadhay arinta reer Cilmi iyo Fiqishini.

= Xeerbeegtidu markii ay si qoto dheer u lafo-gureen, ugana baaraan-degeen cabashadii labada dhinac.

= Xeerbeegtidu markii ay tixgelisay kalsoonidii buuxday ee ay labada dhinac siiyeen guddiga ay u igmadeen garsoorka iyo xalinta dhibaatooyinka labada reer ee isku dhacay. Waxay Xeerbeegtidu soo saartay go’aamadan:

BOON IYO GANAAX

Xeerbeegtidu waxay xukuntay in dhinaca boonka jebiya lagu xukumo 100 Halaad iyo dhinicii boonka jebiya gees laga wada maro oo meel looga soo wada jeesto cidii nabadgelyada jebisa sida ay ina farayso diinta islaamku.

A-       Qofkii si badheedh ah xabbad ugu rida ee aanay ku dhicin, waxna yeelin waxa uu ku xukuman yahay oo laga qaadayaa 2000,000 Sh.So. (Laba milyan oo shilin Somali ah).

B-      Jebinta boonka lagu heshiiyey waxay ku jidoobaysaa qof la dilay oo qudh baxay.

C-      Xeerbeegtidu waxay isku raaceen inay labada ardaa isa siiyaan 15 gabdhood oo cawil celin iyo godob reeb ah.

D-      Fulinta iyo meelmarinta xukunkan waxa si toos ah ugu xil-saaran 11xubnood ee guddiga reer Cilmi iyo 11 xubnood ee guddiga reer Fiqishini, cuqaasha labada ardaa iyo madaxda maamul ee gobol iyo degmo ee markaa joogta.

Illaahow eexona ha nagaga tegin, aqoonna ha nagu cadaabin ayey guddigaasi ku soo xidheen go’aamadooda, waxayna kala yihiin ragga go’aanka saxeexay:

1-Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe)-gudoomiye.

2-Maxamuud X. Cumar Camay—gudoomiye-xigeen.

3-Maxamed Ismaaciil Bulaale---Xoghayn.

4-C/risaaq Cawil Bacaluul.

5-Jibriil Cali Salaad.

6-Xaaji Axmed Aadan Xasan.

7-Aadan Faarax Cumar.

8-Maxamed X. Ibraahin Cali.

9-Gaaxnuug Xirsi carwo.

10-Ismaaciil Muxumed kooreeye.

11-Maxamed Xasan Meecaad.

12-Ismaaciil Muuse Saleebaan.

13-Sh. Maxamed Xirsi Faarax.

14-Maxamed Yuusuf kooreeye.

15-Cali Abokor Aadan.

16-Diiriye Maxamed Cali.

17-C/laahi Maxamed Jaamac.

Haloo gurmado degaanka Caynabo

W

axaan soo jeedinayaa in loo gurmado jiidaha Caynabo iyo Habar-heshay, iyadoo ay sababta tahay dhul-boob xoog leh oo ka jira, taas oo dhulkii xooluhu daaqi jireen la wada ootay.

Arintaas oo marba marka ka sii dambaysta ka sii daraysa, taas oo ay xoolihii meel ay daaqaan iska daayoo xataa waxay waayeen waddo ay maraan, isla markaana arinta ugu darrani waxay tahay iyadoo cawskii ay xooluhu daaqi jireen dhulka laga dhameeyey, taas oo loo dhoofinayo dekedaha wax laga dhoofiyo sida dekedda Boosaaso oo hadda ah suuqa ugu weyn ee cawska loo dhoofiyo. Sidaa darteed waxaan dawladda Somaliland iyo wax garadka kaleba ugu baaqayaa in degaamadaa loo gurmado oo wax laga qabto dhibaatada halkaa ka taagan.

Abokor Axmed Muuse, Caynabo.

Madaxda Boorame oo ka hawl-galay dood

xasarad xambaarsan

B

oorame (Haatuf): Badhasaabka iyo maayarka Boorame, Maxamuud Sh. C/laahi iyo Maxamed Muuse Bahdoon ayaa shalay dhegaystay araahda ay kala qabaan kooxo laba dhinac ah oo isku maandhaafsan xaaladda cusbataalka TB-da Boorame, taas oo koox dad ahi ku andacoonayaan inay xaaladda cusbataalkaasi hadda tahay mid dhibaato ku haysa dadka reer Boorame, iyaga oo dadka aragtidaa qabaa ay ku andacoonayaan inay cusbataalkaa ku jiraan dad aan degaanka u dhallan oo qaba xanuuno khatar ku ah dadka reer Boorame, sidaa darteed loo baahan yahay in dhibaatadaa wax laga qabto, waxayna sheekada caynkaas ahi abuurtay dood la isku waydiinayo waxtarka iyo waxyeelada uu cusbataalkaasi u leeyahay reer Boorame midkee baa badan, iyadoo ay doodda amuurtaa ku saabsani hadda socotay muddo gaadhaysa ilaa bil. Hase yeeshee sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar waxay madaxda Boorame dhegaysteen bal waxa ay kala qabaan dadka isku maandhaafsan xaaladda cusbataalka TB-da Boorame iyo saamaynta uu ku leeyahay reer Boorame, isla markaana waxay madaxda Boorame dhinacyada arintaa isku maandhaafsan oo kala ah kooxo ka soo jeeda dhinaca dadweynaha iyo maamulka cusbataalkaa ka dalbaday inay xal u helidda arintaa iyaga u daayaan.

Kooxaha dadweynaha ahi waxay maamulka cusbataalkaa ku eedaynayaan inay jiifiyaan dad aan degaanka u dhallan oo qaba xanuunada TB-da iyo Aids-kam dadkaas aan laga basrin magaalada ee sida ay doonaan u dhexgalaan magaalada sidaa darteed ay suurta gal tahay inay faafiyaan cudurada ay qabaan, iyadoo ay bay leeyihiin ay dadkaa hayadaha samafalku dhaqaale ku siiyaan xanuunada ay qabaan dartood, laakiin maamulka cusbataalka ayaa isna ku dacwiyaya inaanay arintu sidaa ahayn, balse ay dadka la sheegayaa yihiin dad damaanad haysta oo ay qaraabo yihiin dad degaanka ah.

Dhinaca kalena kooxo dad ah oo hoos yimaada cusbataalka TB-da Boorame, ayna ka mid yihiin ardayda dugsiga dhegoolayaasha, curyaamiinta iyo shaqaalaha cusbataalkaa ayaa casho ka muujiyey ololaha iyo buuqa lagaga soo horjeeda geedi socodka adeeg iyo maamulka cusbataalka Boorame, waxayna walaac ka muujiyeen dhibaatada ka iman karta hadii Boorame laga saaro maamulka cusbataalka Boorame oo ah haweenay la yidhaahdo Analeno Tonneli, iyadoo ay kooxaha cabashada ka muujiyey ololaha lagaga soo horjeeda maamulka cusbataalka TB-da Boorame ku andacoodeen  ama cabashadooda ku muujiyeen cidda daryeelkooda gacanta ku qaban doonta hadii lagu guulaysto ololaha ka dhanka Analeno Tonneli. Hase yeeshee badhasaabka iyo maayarka inay baadhayaan sida ay xaqiiqdu tahay, isla markaana dhinacyada iska soo horjeeda u soo jeediyey inay xal u helidda arintan u daayaan, waxayna sheegeen masuuliyiinta Boorame in hadii ay cadaato inuu maamulka cusbataalka TB-da Boorame dhibaato dadka laga saari doono meesha, hadii kale oo aanay taasi jirina laga hortegi doono ama wax laga qaban doono cidda cusbataalkaa ka faafinaysa dacaayadaha iyo ceebaha aan jirin.  

Waraysi—Danjiraha Liibiya

H

argeysa (Haatuf): Danjiraha dawladda Liibiya u qaabilsan dhul-weynihii Jamhuuriyaddii burburtay ee somaliya (Somaliland & Somaliya), Al-Seyid Ciise Cashuur oo hadda socdaal ku jooga Somaliland ayaa shalay tafaasiil ka bixiyey ujeedada socdaalkiisa iyo waxyaalihii ay kaga wada hadleen kulan ay qasriga madaxtooyada isla shalay ku yeesheen madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weliba wasiirkiisa arimaha debedda Maxamed Siciid Gees, arimahaana waxa uu danjiraha Liibiya kaga waramay waraysi uu siiyey Haatuf, wax yar ka dib kulanka uu la yeeshay madaxweyne Rayaale, iyadoo uu danjire Al-Seyid Ciisa Cashuur Hargeysa yimi khamiistii toddobaadkii ina dhaafay.

Waraysigaas oo ay weriyayaasha Haatuf danjiraha kula yeesheen Huteelka uu degan yahay ee Maansoor waxa uu u dhacay sidan:
S:  Maxay ahayd ujeedada booqashadaada Somaliland?

J: Booqahadan aan ku imi Somaliland waa mid aan ugu imi dadka aanu walaalaha nahay, isla markaana hadii aanu nahay Jamaahiiriyadda Liibiya ixtiraam weyn baanu u haynaa shacbiga Somaliland, waxaana sharaf ii ahayd inaan saaka (Shalay) la kulmo madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, aniga oo isaga iyo shacbiga Somaliland-ba u soo gud-biyey salaan aan uga siday hogaamiyaha Liibiya, Mucamara Al-Qadaafi.

Booqashadaydani waa mid daba socotaa booqashooyin aan hore ugu imi Somaliland, waxayna ku saabsan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal.

S: Maxaad ka wada hadasheen madaxweynaha Somaliland ?.

J: Kulanka aan la yeeshay madaxweynaha ka hor waxaan la kulmay wasiirka arimaha debedda Somaliland, kulamadaana waxaanu kaga wada hadalay arimo dhawr ah oo ka dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan xagga dhaqaalaha iyo tacliinta sidii kor loogu qaadi lahaa, arintaas oo ay dawladaydu ii soo xil-saartay, laakiin dhinaca Somaliland-na waxaan ku arkay arintaa diyaar looga yahay, waxaadna ogtihiin in wefti balaadhan oo Liibiya ah oo dhinaca dhaqaalaha ka socda uu hore u yimid Somaliland, sidaa darteedna socdaalkaygan hadda waxaan ahmiyad siinayaa sii wadida arintaa, iyadoo ay ahayd inay Liibiya wax tar weyn ka geysato dhinaca maalgelinta dhaqaalaha ee Somaliland.

S:  Qorshaha hore ee maalgelinta ee aad sheegtay wuu jirey, laakiin waxba lagama arag maxay taasi ku dhacday ?.

J: Heshiiska hore ee ahaa Liibiya maalgelin dhinaca dhaqaalaha ah inay ku samayso Somaliland iyo hirgelinta mashaariic dhinaca dhaqaalaha ah, waxa heshiiska ku xigtay sidii daraasad loogu samayn lahaa arimahaa, sidaa darteed waxaanu iminka madaxda Somaliland ka wada hadalay sidii heshiiskaa dib loogu soo noolayn lahaa, isla markaana loo suurtagal looga dhigi lahaa inay fulaan.

S: Booqashadaadan maxaa is odhan kartaa waxaasaa la taaban karaa oo ka soo baxay?

J: Waxa ka soo baxay inaanu madaxda Somaliland ka wada hadakay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga naga dhexeeya anaga iyo Somaliland, marka aan noqdana ahmiyadda koowaad waxaan siinayaa sidii qoddobadan loo fulin lahaa, isla markaana ay dawladda Liibiya kaalin weyn uga qaadan lahayd waxtarka ay u baahan yihiin shacbiga Somaliland.

Garaad cusub oo lagu caleemo saaray degaamada Sool

T

aleex (Haatuf): Garaad cusub oo reer Sool ah ayaa 29-kii bishii Oktoobar ee ina dhaaftay lagu caleemo saaray meesha la yidhaahdo Carooley oo ka tirsan degmada taleex ee gobolka Sool.

Garaadkan cusub la yidhaahdo Garaad Maxamuud Cismaan Warsame waxa boqratay beesha la yidhaahdo Wacays Cabdulle oo ka mid ah beesha Sool (Dhul-bahante). Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf, Liibaan Maaweel Shire af-hayeen u hadlay garaadka cusub ayaa sheegay inay caleemo saarka garaadka cusub ka soo qayb galeen dad badan oo ka kala yimi degaamo kala duwan, halkaana lagu sameeyey xaflad balaadhan oo loogu damaashaadayo garaadka la boqray, isla markaana waxa lagu wadaa inuu garaadkaasi inta bisha ramadaan ka horaysa iman doono magaalada Taleex, ka dibna uu tegi doono magaalada Ceerigaabo oo la sheegay in laga casuumay.

Garaadkan cusubi waxa uu garaadada beesha Sool ku noqonayaa inka badan tobaneeyo garaad.

Kacaankii dhergiga

Jenaral NO:1

I

n ciidamada Itoobiya laga guulaysto waxyaalaha sababta u ahaa aad ayey u badan yihiin, laakiin waxa jirta maahmaah tidhaahda “Kaluunku Madaxiisa ayuu ka uraa”, iminka ciidamada Itoobiya habkii loo maamulayey ma ahayn mid wanaagsan, isla markaana saraakiishii xilalka sare ka haysay ciidamada ma ahayn kuwo karti u leh inay maamulaan ciidamada ama guud ahaanba dalka, waxayna ahaayeen kuwo qori caaradii kursiga ku helay, balse aan aqoon iyo raganimo midna u lahayn kuraasta ay ku fadhiyaan, waxayna aqoon la’aantoodaasu keentay burburka iyo dhaawac dalka soo gaadha, isla markaana in ciidamada laga guulaysto taas ayaa ugu wacnayd.

Mingistu iyo xulafadiisu tiro badnaan mooyee, ciidan karti leh inay sameeyaan ma aaminsanayn, waxayna caado ka dhigteen inay mar walba dagaal geliyaan ciidamo aan tababar adag lahayn, sidaa darteedna inaanu had iyo goor dagaal gelino ciidamo aan tababar ku fillan haysan waa ta noogu wacnayd inaanu jabno.

Tababarayaashii ciidamada laftigoodu ma ahayn rag leh aqoon iyo waayo-aragnimo ku fillan oo ay wax ku tababaraan.

Goobaha saraakiisha lagu tababari jirey waxa la gayn jirey oo wax ka dhigi jirey kuwo ka sii tababar hooseeya ama ka aqoon liita kuwa ay tababarayaa, laakiin loogama fekerin in loo keeno kuwo ka aqoon badan.

Tusaale ahaan sarkaal sare go’aanka ama qorshaha uu soo saaro waxay tahay inuu fuliyo sarkaalka ka hooseeyaa, waayo isaga ayaa uga dhow ciidanka, laakiin waxay jideeyeen inay raggu sinaadaan si ay wax waliba faraha uga baxaan, anaguna si aanay fawdadaasi u dhicin in badan ayaanu ka hadalay, wayse na maqli waayeen nimankii awoodda lahaa ha ugu sii darnaado Mingistu.

Caleemo saarka Janaraalada waxa ka jirtey dhibaato weyn, waayo badidoodu may ahayn kuwo u qalmaya derejada lagu taxayo, waxayna ahayd in derajooyinka sarsare la siiyo rag leh aqoon iyo waaya-aragnimo u dhiganta derejada ay lebisanayaan, isla markaana ah niman leh aqoon iyo karti ay ciidamada ku maamuli karaan. Hase yeeshee waxaad arkaysaa Mingistu oo nin uu shalay caleemo saaray, hadana markiiba ku kacsan ama diidan. Tusaale ahaan inkasta oo aanan ka dheregsanayn sababta uu Mingistu u khaarajiyey Janaral Tamirat, laakiin anigu markii aan ciidamada Qaranka ahaa ayaan aqaaney Janaraal Tamirat oo waxa uu ahaa nin had iyo goor farxaan ah oo daacad ah, wuxuuna ahaa sarkaal fiican, sidaa awgeed waxyaalaha lagu wanjalay oo dhan anigu kumaan arag, laakiin xataa hadii uu qalad galayna anigu ma aaminsani inuu galay qalad uu ku mutaystay dil toogasho ah, isla markaana inay cadaalad daro ka jirtay maamulka ciidamada waxaynu ka garran karnaa sida loo dilay Janaraal Tamirat.

Dhibaatada kale ee jirtay waxay ahayd ciidamada oo lagu maamulayey talis saddex-xagal ah, taas oo ciidamada oo dhan nin qudhi taladooda gacanta ku hayo, laakiin ninka masuulka ahi maadaama uu culayska masuuliyadda la wareerayo waxay duruuftu inuu sidii ay isaga la tahay uun u shaqeeyo, waxayna iswaydiintu tahay taliyaha sare saraakiisha ka hoosaysa iyo askarta caadiga ahi hadii ay noqdaan niman ku shaqaynaya magaca siyaasadda iyo nabad-sugidda oo ay yihiin niman aan waxba ku heshiis ahayn oo nin walba goonidiisa loo soo diray sidee baa wax loo qaban karaa, jawaabtu waa waxba lama qaban karo, waxayna ahayd ninka taliyaha sare ah ama gudoomiyaha ah inay gacan yarayaashiisa ka hooseeyaa u noqdaan kuwo ka amar qaata oo si jajaban ula shaqeeya, laakiin ma ahayn inay ku noqdaan kuwa macangagiin ah sidii nagu dhacday, waayo ciidamadayadii dhibaato noocaas ah ayaa haysatay oo iskaashi ma jirin.

Ta kale arinta u baahan in mar walba maanka lagu hayaa waxa weeye marka ay dagaaladu socdaan ee lagu jiro xaaladda dagaalka wax waliba uma dhacaan sidii loogu talo galay ama loo qorsheeyey, laakiin marka uu isbedel yimaado ee ay arimuhu u dhici waayaan sidii loogu talo galay waxa markaas oo kale loo baahan yahay inaad kari karto inaad marxalad walba sida wax u jiraan wax u furdaamin karto, laakiin dhibaatada noocaas ahi waxay ahayd mid mar walbana haysata

Inqilaabkii

Bishii Juun sannadkii 1988-kii inqilaabkii la isku deyey ee la doonayey in dawladda lagu rido waxa ka qayb qaatay saraakiil sarsare oo ciidamada ka tirsanaa, laakiin raggii inqilaabkaa ka qayb galay inyar mooyaane ragga intiisii badnayn way ku naf waayeen, laakiin waxay iswaydiintu tahay hadii inqilaabkaasi suurta geli lahaa sidee bay noqon lahayd Itoobiya, miyey dhaami lahayd sidii ay xaaladdu markaa ahayd, mise way ka sii dari lahayd, balse taasi mar hadii aanay dhicin faalladeedu hadda ma taal, waxaase inooga fudud inaynu ka sheekayno wixii dhacay iyo sidii ay xaaladdu ku dambaysay.

Saraakiishii ciidamada Itoobiya ee markaa talada hayey wixii aan Mingistu ahayni tijaabada (inqilaabka) way ka wada qayb galeen, iyadoo ay ragga ka qayb galay ka mid ahaayeen janaraalo aqoon iyo karti balaadhan lahaa, waxayse iswaydiintu tahay sidee bay wax ugu suurta geli waayeen?

Sababaha ay waxba u suurtoobi waayeen waxa ka mid ahaa iyadoo aan diyaar garowgii loo baahnaa la samayn iyo ciidamada hoose oo aan arinta laga qayb gelin iyo weliba qaar ka mid ah saraakiishii inqilaabka ka qayb galay oo markii dambe saaxiibadood fashilay, waxaana ragga sidaa yeelay ka mid ahaa janaraal Tastafaaye Waldasalaase oo ahaa wasiirka nabad-sugidda ayaa la tuhunsan yahay inuu markii hore inqilaabka wax kaga jiray, markii dambena saaxiibadii dafiray.

Inqilaabkaa fashilmay waxa uu ciidamada u geystay niyad jab weyn, waxaana jiray dad badan oo lahaa ama aaminsanaa inqilaabka ay ciidamadu fashiliyeen taasi ma ahayn mid ay ku muujinayeen taageero ay Mingistu u hayeen, laakiin waxay ahayd werwer ay ka qabeen in hadii uu guulaysto uu wax u geysanayo midnimada Itoobiya. Laakiin waxay iswaydiintu tahay xubnihii golaha Dhergigu maxay dhacdadaa ka aaminsan yihiin ama ka leeyihiin?.…La soco cadadka dambe .

Banaan bax ka dhacay Boorame

B

oorame (Haatuf): Banaan bax lagu taageerayo gooni isu taagga iyo madax banaanida Somaliland, isla markaana lagu canbaaraynayo hadalo ku saabsan Somaliland oo dhowaan ka soo yeedhay ayaa shalay ka dhacay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

Banaan baxan oo ay ka qayb galeen dadweyne fara badan, qaar ka midah ardayda Dugsiyada Boorame, shaqaalaha dawladda iyo maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Boorame waxay dadkii mudaharaadka ka qayb qaatay isugu yimaadeen fagaaraha khudbadaha Boorame (khayriyadda), waxaana dadkaa la hadlay madaxda Boorame, iyadoo uu banaan baxani jawaab u ahaa hadal dhowaan ka soo yeedhay C/qaasin Salaad Xasan, taas oo uu shirgudoonka shirka Kenya ku canbaareeyey ka maqnaanshaha shirka ee Somaliland inay taasi tahay Somaliweyne oo la kala goynayo, isaga oo ku andacooday inaan ka maqnaanshaha Somaliland darteed shirkaa waxba ka qabsoomayn.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar waxa dadkii isu soo baxay la hadlay badhasaabka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi, wuxuuna badhasaabku farta ku fiiqay dedaalka ay dadka reer Boorame u soo mareen dhismaha Somaliland, isla markaana waxa uu tilmaamo ka bixiyey dhibaatooyinkii ay dadka reer Somaliland kala kulmeen midnimadii Somaliya iyo weliba xataa dhibaatooyinkii ay dadka reer Somaliland kala kulmeen dadka Somalilda koonfureed ka dib markii uu dhacay taliskii Siyaad Barre, wuxuuna badhasaabku yidhi “Waxaad ogtihiin in guryihiinii, maalkiinii, xaasaskiinii iyo caruutinii qori caaradii la idinka soo saaray Xamar oo lala soo daba galay dil iyo dhac ilaa ay Somaliland soo galeen”.

Sidoo kale waxa isna munaasibadaa ka hadlay maayarka Boorame, Maxamed Muuse Bahdoon, wuxuuna wax ka taataabtay nabadgelyada iyo xoriyadda ay dadka reer Somaliland haystaa waqtigan xaadirka ah. “C/qaasin iyo kuwa la socda ee shirka Kenya joogaa waxay doonayaan inay inoogu yeedhaan halaagga ay ku jiraan, laakiin taa ma yeelayno, waxaanu leenahay guryihiina hagaajista” ayuu yidhi maayarka Boorame.

Isu soo baxaa waxa kale oo ka hadlay dad kale oo ay ka mid yihiin xubno ku hadlaya magac ururada haweenka, isla markaana waxa fagaaraha khayriyadda Boorame laga soo jeediyey suugaan kala duduwan.

Dhinaca kalena, Mudaharaad balaadhan, oo lagaga soo horjeedo c/qaasim iyo wuxuu ku hadlay ayaa, galinkii hore ee shalay ka dhacay magaalada Gabiley.

Madaharaadka oo ay dad waynaha reer Gabiley, oo isugu jira maamul iyo yar iyo waynba ku muujinayeen dar eenka ay ku taageerayaan jiritaanka S/land iyo waxay ku sheegeen ninkii tiisaba daryeela tu kale ku dara, oo ay sheegeen inay ka soo horjeedaan.ayaa boqolaal arday ah oo wax kabarta dugsiyada Gabiley oo ay daba kacayaan dadweyne gadoodsan oo sugu jira rag iyo dumar, caruur iyo ciroole ayaa socod dheer ku soo maray laamiyada magaalada kuwaas oositay boodhadh ay ku qoran yihiin (nac ala qabuhu wuxu na baday waanu ka soo noolaanay )(gooni isu taiga s/land waa muqadas)ayaa socodkoodii kuyimid khayriyada cusub oo hore u ahaan jirtay xaruntii xisbigii hanti-wadaaga ee Kacaankii  Afweyne ee Gabiley.

Waxa iyagu goobta xaflada mudaharaadka lagu qabtay. koox koox ugu ciyaarayay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka boqolaal haween ah,oo reer gabiley ahoo heelooyin ku ciyaarayay.

 Furitaan kii xafladan oo lagu furay, gabay uu tiriyay gabayaaga cabdi siyaaro oo xoog looga xiiseeyo dagaanka. kadib waxa halkaa ka hadlay Chief Caqil Cabdi Ciidle Amaan oo isagu si wayn uga hadlay C/qaasim wuxu yidhi somaliland waa dawlad ilaahaybaa ka dhigay cid ay ka magansanaysaana majirto .

Waxa isna halkaas ka hadlay Muxumed Geela Seed Ex-Mayor Ingiriis xoriyadbuu ina siiyay wuu ina gumastaybaynu nidhaa (beetalmay) baynu ku ridnay soomaali walba inoolamay hadhin way ina laysay, waxay inoo reebta majirto, maantana dawladbaynu nahay, aduunku ictiraafsanyahay. Waxa inoo dhimani waa doorashada oo loo baahanyahay inu nin waliba ciduu doonayo doorto aduunku intaasbuu inaga sugayaa, waa inaynu isku duubni ku fulino waxa halkaa siwaayn uga hadlay nacaybka ay u qabaan c/qaasin, Maryan Xaddi oo gudoomisa ururka NOW iyo Marwo Safiya aw Aadan Meecaad gudoomisa Ambrelada Maandeeq

 Gabo-gabadii waxa halkaas ka hadlay duqa Degmada gabiley Abiib Xasan Filfil oo halkaas hadal dheer ka soo jeediyey waxa hadaladiisii ka mid ahaa.

Go'aanka Somaliland hore ayey u gaadhay maantana waa dawlad.

Wixii kaa shaman waaya waa layska dhameeyaa, anigu wixii hadalo ahaa ee iga horeeyay ayuun baan gudoominayaa. go’aankeenuna waa inaynu ku shaqayno waxaa aynu

 Is farno?

Adigu waxad qancisaa Xusseen Caydiid oo shalay kula hadlay oo waxaad ka shaqayso sheegay.anagu dawlad baanu nahay, sharci baanu leenahay wixii shuruudo ahaana waanu buuxinay ee adigu tasho.

Dhinaca kale Mawliid Muuse Samater oo ka tirsan gudiga doorashooyinka ayaa manta ii sheegay in ururada UCID, UDUB, HORMOOD, BIRSOL, KULMIYE, ay si rasmi ah ugu gudbiyeen liisaskii musharaxyadooda uga qaybgali lahaa doorashada Golaha Degaanka ee Degmada Gabiley