Haatuf News
Issue: 195________________________________ Isniin, November 4, 2002
Qiyaas ahaan 1/3 dalka kuweyt oo loo bannaysimay seere miletari
K |
uweyt (W.Wararka) – Dawladda Kuweyt ayaa maalintii dorraad ku dhawaaqday inay bandoo ku soo rogtay dhul qiyaas ahaan noqonaya saddex meeloodoow meel (1/3) dhulkeeda, waxaanay sheegtay in jidaasi oo ku taala waqooyiga iyo galbeedka dalkaasi loo qoondeeyay seero miletari oo ka caagan dadka rayidka ah. Mandaqaddan la cidleeyay oo xigta dhinaca soohdinta uu dalka Kuweyt la leeyahay Ciraaq, waxa haatan ka socda carbis miletari oo ay ka qaybgelayaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kuweyt.
Tallaabadani waxay xukuumadda Kuweyt qaaday kadib markii tacshiirado rasaas ah lala beegsaday ciidamada Maraykanka ee tabobarka diyaar-garawga ahi uga socdo haatan dalkaasi weerarkan oo ah kii afraad ee muddo bil gudaheed ah lala beegsado ciidamada Maraykanka ee ku sugan Kuwayt, iyada oo 8-dii bishii October ee ina dhaaftay lagu dilay hal askari oo Maraykan ah, laba kalena lagu dhaawacay, kadib markii ay laba nin oo reer Kuweyt ahi ay rasaas ooda kaga qaadeen ciidamo Maraykan ah oo carbis uga socday Jasiirada Faylaka oo 20 km dhinaca ka xigta caasimadda dalkaasi ee Kuweyt. Wasiirka Gaashaan-dhiga ee Kuweyt Sh. Jaabir Mubaarak Al-Sabaax oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay in bandoodan la qaadi doono marka uu dhammaado carbiska miletari ee dalkaasi ka socda. Hase yeeshee, wasiirku muu cayimin wakhti go’an oo bandooda la qaadi doono.
Ciidamada Maraykanka ee haatan ku sugan Kuweyt ayaa lagu qiyaasay 10,000 oo askari muddooyinkan dambena waxa uu Maraykanku ku soo dal-dalayay dalkaasi hub farabadan, isaga oo u diyaar-garoobay weerarka uu damacsan yahay inuu ku qaado Ciraaq.
Qara-Yaraanta Musharaxiinta Ururada
Ee Golayaasha Degaanka
X |
isbiyada siyaasadda ee dalka ayaa haatan komishanka doorashada u soo wada gudbiyay liisaskii murashaxiinta ee uga qaybgeli lahaa tartanka doorashooyinka xubnaha golayaasha degaanka ee degmooyinka dalka oo ku began in la qabto 15-ka bishan fooda inagu soo haysa.
Haddaba marka aad eegto murashaxiinta ay ururada siyaasaddu soo bandhigeen waxaad markiiba saluugaysaa dadka ay carrada la yimaadeen, iyada oo aad dareemayso in murashaxiinta ay ururadu soo xusheen ay u badan yihiin dad aan lahayn karti, waayo-aragnimo iyo shilays mas’uulnimo oo la odhan karo waxay ku gudan karaan waajibaadka cul-culus ee fuli doona, cidda iyaga ka mid ah ee tartanka ku guulaysata. Hase yeeshee, aragtidan qawadaysa tayada murashaxiinta dadka la soo hortumay, ma noqonayso mid ku salaysan xaqiiqada marka aan doorashada dawladaha hoose loo arkayn mid ujeedada laga leeyahay tahay sidii dadweynuhu isaga dhex dooran lahaayeen xubnaha golaha degaankooda ee shanta sannadood ee soo socota wax uga qaban lahaa dhibaatooyinka faraha badan ee ka jira degaanadooda, iyada oo qodobada lagu tixgelinayo qofka la dooranayo ay ugu muhiimsan yihiin inuu lahaado aqoon, karti, xilkasnimo iyo aaminaad.
Xilalka noocan ahi waa kuwo eeda cidda manaafacaad u soo doonata, balse waxay mahadiyaan cidda iyadu u soo doonata inay wax-qabtaan, magacna ka helaan. Haddaba markaad eegto murashaxiinta la rabo in dadka la soo hortubo doorashada golayaasha degaanka, waxaad is odhanaysaa malaha murashaxiin kuwan dhaama waa la heli lahaaye ururada ayaanay ku jirin dadkii loo baahnaa, taas oo hadday dhabowdo iyo haddii kaleba ay arrintani noqonayso ayaan-darro weyn oo cawaaqib xumadeeda sida looga soo waaqsadaa ay adkaan doonto mustaqbalka.
Kol haddii 11-kii sanadood ee u dambeeyay dadka ku soo dayoobeen meeyaradii loo soo magacaabi jiray ee xilka ugu danayn jiray cidda soo magacawday, iyaguna ka faraqabsan jiray canshuurtay dadka ka urursan jireen, waxay ahayd in doorashada dawladaha hoose ee dhawaan dalka ka dhici doona loo arko fursaddii ay dadku u geysan lahaayeen golayaasha degaanka xubnihii ka dhaq-dhiqi lahaa musuq-maasuqii, waxqabad la’aantii, dhacii iyo boobkii ay ku hayeen muddada dheer raggii ku ababay cahdigii beelaha ee xalka loo yaqaanay. Waxaanay u muuqataa in haddii xilliyadii ay hore cabashadu ku eekaan jirtay mayor dhulka booba, canshuurtana ismariya, ay doorashooyinkani ka soo bixi doonaan kooxo qowlaysata ah oo sharci u haysta inay dadka leeleeliyaan shanta sannadood ee soo socota, haddii aanay qoloda komishanku dib-u-eegis ku samayn liisaska loo soo qaddimay oo aanay ururada intay fursad gaaban siiso ku adkayn inay isku dayaan siday u heli lahaayeen murashaxiin kuwan ka mudakarsan.
Diyaarad shil ku gashay Laas-caanood
L |
aas-caanood (Haatuf): Diyaarad u kiraysnayd shirkadda qaadka ee 571-ayaa maalintii shalay shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Laas-caanood, shilkaasi oo aanay cidi wax ku noqon. Shilkan ay diyaaradu gashay waxa uu dhacay markii ay diyaaradu soo cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Laas-caanood abaara 10:15-daqiiqo ee subaxnimo, waxaa sabab u ahaa diyaarada oo fadhiisigeeda ka bilowday badhtamaha dhabaha diyaaraduhu ay caga-dhigtaan, waxaanay taasi keentay inay diyaaradu wadada ka baxdo in ku dhow 250 mitir, iyada oo dusha uga baxday moos weyn oo oodan, isla markaana jiidhay wadada Shiinuhu dhisay oo u kicintinta dhinaca magaalada Yaroowe. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel Shire oo haatan ku sugan magaalada Laas-caanood markii shilku dhacay waxa garoonka ku sugnaa dad iyo gaadiid tiro badan oo sugayay inay qaadaan qaadka ay diyaaradu siday kuwaas oo cagaha wax ka dayay kadib markii ay diyaaradu shilka gashay, balse cidi waxba kumay noqon, haddii ay yihiin dadkii diyaaradda saarnaa iyo kuwii dhulka joogay midna.
Diyaaradan shilka gashay umay suurtogelin inay sii wadato safarkeedii, iyada oo qorshuhu ahaa inay qaadka qayb ka mid ah u sii qaado Boosaaso, waxaanay haatan diyaaradu fadhidaa meel garoonka u jirta 250-mitir. Diyaarad kale oo mas’uuliyiinta qaadka ee shirkadda 571 ka dalbadeen dhinaca Hargeysa ayaa la sheegay inaanay iyadana u suurtogelin inay gaadho Laas-caanood.
Sida uu qorayo Xeerka Vienna Convention Qodobkiisa 10 aad. Dawladi Marka ay magacaabayso Ergo Diblomasiyadeed waa in ay ogaysiisa, dalka loo magacaabayo inta Saraakaal iyo shaqaale ah ee La socoda Danjiraha.
Danjiraha mooyee Inta kale iyagu ma Dhiibayaan Waraaqaha Aqoonsiga Loogamana Baahna. waxa la Ogaysiinayaa uun Wasaarada Arrimaha Dibadda ama Wasaaradii Kale ee Hawshaa Haysa
Qodobada La Ogaysiinayo waxa ka mida kuwan
1-Magacaabida Xubno Ergo, Imaatinkooda iyo Dhamaadka Waqtiga loogu tala galay inay ka Shaqeeyaan Ergada iyo ka Dhoofidooda Dalka
2-Imatinka-iyo-bixida Xubnaha qoyska Sarkaalka Loo soo magacaabay Ergada.
iyo Haddii ay kala tagaan dadkaasi uu keensaday.
Marka ay Dhamaadan Hawlaha Magacaabida iyo Ogolaansha Danjiraha, Waxa la diyaarinayaa Warqadaha Aqoonsiga oo uu Saxeexo Madaxweynuhu waxa kale oo la diyaarinayaa warqadaha Dib u soo celinta Danjirihii hore Ama Siihayihii hore
Haddii uu hore Danjire u joogay dalka Danjiraha cusub loo magacaabayo)
Sida uu Sheegayo Xeerka Vienna qodobkiisa 13 aad Danjirahu marka uu waraqadihiisa Aqoonsiga Dhiibo waa in la siiyaa tixgalin uu ku gudan karo hawshiisa waxanu bilaabayaa shaqadii uu halkaasi u yimid.
Waqtiga dhiibida Warqadaha Aqoonsiga ama dhiibidda Nuqulka Asliga ah ee warqadaha aqoonsiga waaxa la xadidayaa marka uu Danjiruhu Dalka Yimaado.
Ilaa uu ka Dhiibo Warqadaha Aqoonsiga Danjiraha waxa Loogu yeedhayaa
Danjiraha Magacaaban (Ambassador-Designate) Marka uu Dhiibana ‘Danjire’
(Ambassador)
Waqti ka hore waa in uu soo wargaliyaa imaatinkiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda si loo sii diyaariyo Soo Dhaweyntiisa,
Danjiraha Magacaaban marka uu dalka yimaado waxa garoonka diyaaradaha uga sii hor tagaya sarkaal ka socoda waaxda habmaamuska, intaa ka dib Agaasimaha waaxda Habmaamusku waxa uu u Sheegayaa Danjiraha magacaaban Nidaamka Dhiibidda Warqadaha aqoonsiga,
Waxa ku waajiba Agaasimaha Waaxda Habmaamuska in uu Danjiraha u sii sheego waqtiga iyo saacada uu Dhiibayo Nuqulada Asliga ah ee warqadaha aqoonsiga, marka uu Danjiruhu Dhiibayo waraaqaha aqoonsiga waa in uu raaciyaa Khudbadii uu u jeedin lahaa madaxweynaha.
Nuqulka khudbada waxa looga qaadaa Danjiraha si loo akhriyo intaan la gaadhin maalinta Dhiibida loona Diyaariyo jawaab ku haboon Nuxurka uu ka hadlayo Danjiruhu
Danjiruhu marka uu Dhiibayo warqadaha aqoonsiga waxa ka soo kaxaynaya HOTEL –ka uu dagan yahay Agaasimaha waaxda Habmaamuska waxanu ka fadhiisanayaa Gaadhiga kursiga Bidixda ee xagga Danbe Midigta waxa leh Danjiraha Magacaaban, gaadhiga waxa la Sudhayaa calanka Jamhuriyadda Somaliland isagoo ay garab socodaan mootooyinka madaxtooyadu waxa uu imanayaa qasriga madaxtooyada Gaadhiga Danjiruhu waxa uu istaagayaa ciidanka Salaan Sharafta hortiisa salaan ayuu qaadanayaa ka dib waxa toos loo geynayaa qolka qaabilaada ee lagu qabanayo xaflada .halkaa waxa jooga Madaxweynaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo agaasimaha waaxda arrimaha dibadda ee madaxtooyada .
Danjiraha Qolka waxa la galaya agaasimaha hab-maamuska wuxuuna istaagayaa dhinaca bidixda Danjiraha Marka halkii loogu talagalay uu gaadho Danjiruhu waxa loo tilmaamayaa in uu istaago, haddii ay khudbadi jirto halkaas ayuu ka akhrinayaa danjiruhu, haddii kale isla markaas ayuu u dhiibayaa warqadaha aqoonsiga Madaxweynaha. Ka dib madaxweynuhu waxa uu ku martiqaadayaa Danjiraha in uu fadhiisto, halkaas ayuu madaxweynaha ugu dhiibayaa warqada salaanta ah ee uu ka sido madaxweynahiisa waxanu muddo saacad badhkeeda la sheekaysanayaa madaxweynaha. Haddii se aanu madaxweynuhu haddalka badin.
Danjiruhu marka uu ka soo Idan qaato madaxweynaha waxa uu saxeexayaa Diwaanka Martida Madaxtooyada. mar kale ayuu salaan Sharaf qaadanayaa Danjiruhu xafladii Dhiibida aqoonsiga waraaquhu halkaas ayey ku Dhamaatay.
Danjiraha hawshiisa ugu horaysaa waxa weeye in uu afti u kala Diro Dhamaan Danjirayaasha kale ee kaga soo horeeyay dalka isagoo u sheegaya in uu warqadihiisii aqoonsiga u dhiibay maalintaasi madaxweynaha waxa uu warqadiisa ku tilmaamayaa in uu jeclyahay in uu xidhiidh rasmi ah iyo mid gaar ahba la yeesho, si wax wada qabsiga ka dhexeeya labada Dal iyo labada Ergo u sii xoogooban iyo wixii la mida,Danjiraha warqadaha loo diryaa waa in uu isna si dhaqso ah uga soo jawaabaa isagoo u hambalyeynaya Dhiibida uu dhiibay warqadaha aqoonsiga una muujinaya saaxiibtinimo.
Danjiraha cusub waxa waajib ku ah in uu Salaan iyo is barasho ugu tago Madaxda Dalka Sida oo kale waxa uu Salaan ugu tagayaa iyo is barashoba Dhamaan Danjirayaasha halkaasi uga soo horeeyay isagoo ku bilaabaya Waayeelka Danjirayaasha (The Dean of the Diplomatic Corp)
Danjiraha la soo booqoday isgana waxa waajib ku ah in uu soo booqdo Danjiraha soo booqoday oo uu ugu tago safaaradiisa,
War saxaafadeed:
Xisbiga UCID oo Xafiis ka Furtay Magaalada Toronto,
T |
oronto (Haatuf): Nov 02 2002 Warsaxaafaddeed ay soo saareen Xubnaha
Ururka UCID ee
Waxay xubnuhu iska dhex doorteen guddiga
maamulka ee Laanta UCID ee
1.Cabdinasir Maxamed Cabdilleh "six" : Guddoomiyaha ururka
2.Cabdirahman Abokor: Guddoomiye ku xigeenka
3.Cumar Muuse Kaahin: Afhayeenka, ahna xisaabiyaha
4.Cali Jaamac Axmed: Abaabulka iyo Qorshaynta
5.Faadumo Maxamed Axmed: Xoghaynta
6.Ibrahim Ismaciil: xidhiidhka jaaliyadda
Warsaxaafaddeedka oo uu guddoomiyuhu faahfaahin kaga bixiyay mabaadiida ururka iyo ku talogalka laantaba oo uu khadka Email-ka noogu soo diray Axmed C/laahi Cawaale, waxay u qorayd sidan:
-Iyadoo maanta xaaladda la marayo aanu ka faa'iidaysanayno,
-Iyadoo qof kastaa uu si daacadnimo iyo dedaal leh u taageeri karo ururka uu raacsan yahay
-Iyadoo ayna hoggaaminayso inaanu dadkayaga iyo dalkayga wax u qaban lahayn
- Iyadoo ayna dhiiri gelinayso nabadda taalla Somaliland iyo sida wanaagsan ee loogu soo bandhigay xisbiyada inay ka qayb qaataan doorashada madaxwaynaha ay dooranayaan.
- Iyadoo UCID ugu taageero weyn dadka dibadda jooga, daacadna ku shaqeeya, kuna salaysan mabda'a dib u dhiska bulsho ka caafimaad qaba qabiil, dhac, diin darro iwm....
Wuxuu guddoomiyuhu intaas ku daray:
in UCID u shaqayso danta dadka iyo dalka Somaliland. Sidaas awgeed, ayaanu isugu tagnay, una taageeraynaa, una huraynaa
waqtigayaga iyo maalkayagaba, Laantana u dhisnay. Waxayna arrintani
tusaale wacan u noqonaysaa dhallinta reer Somaliland, maanta, iyaguna, si ay xisbiga
ay rabaan u raacaan, una taageeraan oo loo xoojiyo Dimuqraadiyadda.
Guddoomiyuhu wuxuu xubnaha uga waramay in biisha soo socota
ee Diisember waa doorashadii Dawladaha Hoose ee Gobollada iyo Degmooyinka,
wuxuuna tilmaamay in halkaas caano iyo biyo loogu kala bixi doono.
Wuxuuna muujiyay in cid kastaba doorashada ha ku guuleysatee,
ay natiijadu noqon doonto in dadka reer Somaliland bashbash iyo badhaadhe ay doorashooyinku u horseedi
doonaan.
wuxuuna u rajeeyay dhammaan meel kasta oo ay joogaan
qurbaha iyo gudahaba caano iyo nabad.
Gabogabadii wuxuu guddoomiyuhu ku guubaabiyay dad reer Somaliland inay nabadgeylada
taamka ah ee hadda jirta sii xoojiyaan, nabd iyo caanona dalkooda hooyo ku
joogaan, taladiisna gacanta ku hayaan iyagu, meeshana waa inay ka baxdo
riyada Cabdi/Qaasim ee uu ku doonaayo in uu mar kale idin dago. Kuna soo celiyo gumeysigii, dhacii, kufsigii, boobkii iyo cagojugleyntii
aad iska xoreyseen, ee aad heeryadeeda tuurteen. Ogow, inay xorriyaddu qaali tahay, inayna ku iman qiimo jaban.
Sidoo kale, wuxuu guddoomiyuhu iyana dardaarankiisa u jeediyay qurba joogga reer Somaliland oo uu u tilmaamay in aanay moodin in noloshu qurbe joognimo iyo qaxoontinimo uun tahay ee ay u soo hiloobaan waddankooda hooyo, wuxuuna kula taliyay in dhaqashada, cilmiga iyo raasamaalkaba ku macaan yihiin in la gashado dalkaaga hooyo, ayuu ku soo xidhay Guddoomiyuhu.
Ucid Party -
UCIDPARTY.COM
WEBMASTER
AXMED CABDILLAHI CAWAALE
Qiimaynta saddexda gole qaran
Xukuumada.(Executive)
Runtii waa gole ku caan baxey taag daro laguna xanto hanti lumis iyo firfircooni daro gude iyo dibadba
Xaga dibada hadeynu eegno goor walba waftiyo ayaa had iyo goor u kala goosha dhamaan wadamada caalamka iyaga oo u jeedada socdaalkooda ku safeeya aqoonsi raadis qaatana lacag badan oo aan lagaraneyn inta ay tahay iyo sida loo isticmaali doonaba , nasiib wanaag waa wax caadiya iney la kulmaan madaxda wadamada ay booqdaan sidoo kale daawasho iyo mija baxsi ku qaata magaalooyinka bilicda badan ee madaxdooda madaalayaasha ahi ay hore ugu shaqeeyeen laakiin nasiib daro wax guul ah kalama soo noqdaan waayo kumabey tala galin guul., waa hubaal iney naftooda ku qanciyaan in uu safarkoodu ahaa mid guuleystey kadib marka ay lakulmaan xaasaskooda iyo caruurahooda kunool wadamada iyaga oo ubadkooda uga diga (warns) in ay kusoo laabtaan wadamadooda hooyo iskana ilooban ku taamida(dream) magaca somali land.
Madaxda wadamadaa waxey ka codsadaan inay u fududeeyaan ubadkooda iyo ehelkooda sharciyada wadamada si ay ugu sii nagaadan waa hubaal iney intaa ugu daraan iney somali land tahey maraq qadada lagu sugayo, eheladooda ku sugan wadamada ayay iyagana ka codsadaan cimri dharar ah xilka umada.
Kadib kusoo guryo noqoshadooda dalka ayaa ah mid indheer garadku sii og yahay badalka bil ka hor lacagtii lasii handaafiyey oo ah walaalayaal lii lii Mugdisho iyo erayo lamid ah oo runtii argagax iyo anfariir ku abuuro shicibka taagta yar ee sanadaha badan sugaayey wax u cuntama.
Xaga maamulka guduhu waa mid ka liita ka dibada dhan walba waayo qofba qofka uu hantida umada ka dabi yaqaano ayuu ku muteystaa dalacsiin (promote) laysmana weydiiyo yaa wax qaban kara ee waxaa la is weydiiya yaa ina rogi kara.
Golaha sharci dajinta (legislature)
Golaha wakiilada ayaa ah gole aqoon iyo khibrad ku filan(Qualification and experience) leh taas oo u fududeyn karta inay xilkooda u gutaan sida wadamada horumarey(developed countries) inaga oo mararka qaarkood aragna dhextaalka siyaasadeed oo qaybiya golaha dhaliyana doodo kul kulul oo soo jiita dareenka dadka soona nooleeya rajadii quusta taagneyd ,kadib doodo dhaadheer iyo waxoogaa horu socod ah ayaa waxa ku dhalata badhtamaha golaha jee gaan(Rainbow) saacado gadahood ku kala erida neecawdii iyo saxan saxadii lasaadaalinaayey soona celisa aamuskii dabada dheeraa ee golaha waamarag madoon in golaha xishood aanu ka madhneyn.
Bahda odeyaasha.
Waa gole dhado ay cidhiidhyeyso ciileysana,loogana bartey hogaanka nabadeynta dalka loona og yahey iney yihiin furaha nabed gelyada dalka sidoo kale ay yihiin gole la bah ah maxaafidnimada una aqoonsan mucaaridnimada danbi qaran iyo diimeed
GARSOORKA. (Judiciary)
Waa gole karaama guurey isaga sita oo kaliya magaca garsoor aan se laheyn dhamaan astaamihii cadaaladeed,waa gole hadhsada dhismeyaal qadiimiya oo daal badani ka muuqdo laakiin nasiib daro aanay cidina u maqneyn ceelna u qodneyn marka aad dibada ka joogtid ayaa ah meel muuqaal ahaan indhaha u daran ,gudaha ayaa sidoo kale bilic iyo qaab xafiis toona aan laheyn waayo hal qalin ayaa ka dhaxeeya dhamaan xafiisyada oodhan. Dadka goobaha garsoorka isugu yimaada ayaa labau qeybsama koox ayaa ah kuwo gadan oo gawrac sugaaya jeebadahana gacmaha kula jira bal iney ka baaqsadaan dilkaa ay ku xukuman yihiin,iyo kooxda labaad oo ah bah u diyaar ah taaba galka dadkaa oo u dhaarsan iney bilaa midi gawracaan dabadeedna ay dhiigoodana cabaan waa goobo xalaaleystey xaq darada.
MA-GOLAHA SHICIBKA.
Waa golaha ugu tirada iyo tayada badan dalka uguna awooda yar sida ay la wadaagan wadamada Africa waa gole iyaga oo laga duwayo runta iyo dhabaha toosan lana doonayo iney indhaha ka laliyaan xaqiiqada dhabta ah ee gudaha dalka laga dhaadhiciyo in uu cadawgooda kaliya yahey koonfur ,waa hubaal iney dhibaatadii u badneyd ee dagaaladii sokeeye iyo shisheeyeyba ay saameeyen shicibka sida nafta,laxaadka, iyo maalkaba
Hadaba dadkeygoow marka aynu lsku soo wada duubno arimaha kor ku xusan waxey ila tahey in laxaal mariyo taariikhda ma guurtada ah oo ilaa lasoo noqoshadii xoriyada ilaa maanta aan helin laba iska daayo qof kaliya oogala bogoga cad cad eetaariikhda ma ilaawanka ah si loogu xasuusto wax horu mar ah oo lataaban karo dadkana ilawsiiya dacartii qadhaadheyd ee guumeystuhu cabsiiyey mudo nus qarni ku dhow.
Mohmoud Ahmed Gasss
(Cagmadhige)
Still stranded in
Mahamoudg@yahoo.com
Sooyaalka taariikheed ayaa ka markhaati kacaaya macangagnimada ardeydii macalinkii xumaha ee siyaad bare, macnuhu waxa weeyi qofku haduu birr ma geydo yeelan waayo waa bar kuma taal.
Hoos aan ugu dego ujeedada qormadeydan oo aan doonaayo inaan xusuusiyo ardeydaas oo maanta qaar ka mid ahaa ardeydaas weliban ahaa kuwii kaalinta koowaad ku guuleystey waxbarshadaasi oo gashadey shaadh diimeed si umada dhibka iyo balanbalku ku raagey ay u qaldaan ayagoo mudo dheer dagaal aan ku fadhiyinmabda’ xataa aan qaarkood qabiil ku saleeysneyn balse lagu dabaqo dabadeed maantana la doonayaa in loo furro bog cusub oo ay danyartaa wareersan lagu jaha wereeriyo aayatiinka danbena uu noqdo naceyb, xiqdi,xumaan iyoxataa xaalad dagaal oo weji hor leh ah uu ka aloosmo kaas oo u dhaxeyn doona umad masiirkeedii iyo aayaheedii ka tashatey, iyo shaqsiyaadkii ka danbeeyey falka ay umadaasi geyeysiiyey iney tidhaahdo “Geedyahoow waxaan ku moodey, waxaad noqotey iyomidaan loo noqon doonin” oo mar labaad soo laba kacleynaya.
Xaqiiqdu waxey tahey dhibku waxuu heystaa dadka sanadba filim nooca oo aan macno laheyn dhiig iyo dhimasho iyo burbur, degitaan la’aan ku jira, kuwa Somaliland wey garanayaan majada lala wareegayo sidaas aawadeed ayaan cidina waxba u qarin Karin isla markaasna hadey u dhimanyaana ay ugu cadahey waxey u dhimanayaan.
Hadaba nimankaa (warlords) ee daandaansiga faraha badan ku haya dalka iyo dadkiisa yidhi 10 sano ka hor anagu waanu noolaaneynaa ee idina noolaada ka heystey afkooda iyo adinkoodaba ka adkaadey welli se tuuryada la daba socda aan tuduc ka soo qaato gabeyuu Ibraahim Gadhleh ugu jawaabey ku matalaha muwaadinka marka loosoo gaabiyo loo yaqaan YAMYAM kaasoo gabay ku digasho ah tirinayey 1989 isagoo huwanaa magacii wixii la odhan jirey jamhuuriyada dimuqraadiga ee soomaaliya, maantana waa mujaahid can baxey oo dhiig ku ilmeeya kuwan aan hada ugu halqabsanayaana isagaa aad uga ilko qabaw waxay tidhi;
BARAS NIMEEY KU TAALOO
KUR FAYOW TILMAAMAA
TOLOOW MUXUU U JEEDAA
MA TARBIICADIISIYO
TUURTIYO MAROORKUU
TAARIIKH KA DHIGAYAA
MA DADKEENAN TOOSEE
TASHADEE BARAARUGEY
AYUU KALA TAGOODII
ULA SOO TALAABOO
IN LA TUUREYOO DHACEY
TUHUNBAABA KAGA JIRA
ILEYN TANINA YAABLEHE
TUUGU WAA ISQARIYAA
HALKA UU KA XADO TIMIR
TUHUN BUU KA GUURAA
TOBAADKANI ALAALOOW
MID TIRIIG SITAA YIMID
Waxaan ku soo gabgabeynayaa ninoowna ha u durbaan tumin somaaliland oo Dagan in dib loo hello waa baabaco tima leh, horjoogayaashaasna tuduc isla gabeygaas sare ah ayaan ugu soo khatimayaa.
NINKAN WAA TAQAANAAN TAWRADII AYUU LA KOWSADEY QASAB TUUTIHII AYAA DHALEY SIYAD TAASHKA U SUDHEY
Kulan dhexmaray guddiga doorashooyinka iyo ururada siyaasadda
H |
argeysa (Haatuf): Guddiga doorashooyinka Somaliland ee heer qaran ayaa shalay si hordhac ugu dhawaaqay inta goobood ee urur waliba ilaa hadda u gud-biyey liiska xubnaha uga qayb geli doona tartanka doorashada dawladaha hoose ee la filayo inay dhacdo 15-ka bisha Diisambar ee foodda inagu soo haysa, waxayna guddiga doorashooyinku sidaa ka sheegeen kulana ay xaruntooda kula yeesheen ururada siyaasadda ee u diiwaangashan tartanka madaxtinimada dalka.
Wakiilo ka kala socda 8 urur-siyaasadeed ayey guddiga doorashooyinku xaruntooda kula yeesheen kulan qaatay inku dhow laba saacadood, waxayna labada dhinac iswaydaarsadeen dood iyo fallanqayn la xidhiidha mawduuca meesha yaal oo ahaa liisaska musharaxiinta ururada ee gobolada iyo degmooyinka ee ay ururada siyaasaddu ilaa hadda soo gud-biyeen.
Guddiga doorashooyinku weedhihii ay ku aftaxeen kulankaa waxay ku sheegeen inay munaasibaddu tahay mid ay ururada ku wargelinayaan ilaa inta goobood ee uu urur waliba u soo gud-biyey liiskiisa musharaxiinta, isla markaana waxay guddigu hadalkoodii hordhaca ahaa ku dareen in wixii dood ah ee ay ururadu ka qabaan mawduuca meesha yaal ay la sugaan kulanka ka dib, taas oo macnuhu ahaa in taa lagu gorfeeyo xafiiska shirgudoonka guddiga, iyadoo ay goobta kulanku ka dhacay ahayd hool gaar ah, laakiin arintu waxay noqotay mantag meesha aad doonayso kuguma simo, sidaa darteed waxa isla madashii ka bilaabmay su’aalo iyo dood si tartiib ah isaga fiday, sidaa darteed waxa la odhan karaa kulankaasi waxa uu ahaa mid xiisa leh, isla markaana shirkaasi waxa uu ahaa mid milicsi siyaasiya leh, taas oo ragga meesha isugu yimi wejiyadooda, weedhahooda iyo xarakaadkoodaba laga dhadhansanayey dareen siyaasadeed.
23 degmo ayey ururadu ka dhiibanayeen liisaska musharaxiinta, sidaa darteed markii uu kulankaasi furmay waxay guddigu soo bandhigeen jaantus tilmaamaya inta degmo ee urur waliba ka dhiibtay, laakiin sideedii urur ee meesha isugu yimi toddoba ka mid ah ayaa ku guulaystay inuu ugu yaraan kala badh 23-kaa degmo liisaskiisa musharaxiinta geysto, halku uu ururka ILAYS gebi ahaan-ba ku guul-daraystay inuu xataa hal degmo wax geysto. Hase yeeshee dhinaca kalena ma jiro urur keliya oo ku guulaystay inuu 23-ka degmoba u gud-biyo liiskiisa musharaxiintiisa, laakiin marka la eego jaantuska hordhaca ah ee ay guddigu ilaa hadda soo bandhigeen ururka KULMIYE ayaa degmooyinka ugu badan geeyey liiskiisa musharaxiinta, wuxuuna liisas geeyey 19 degmo, halka uu ururka ugu soo xigay ahaa ururka UCID oo 18 degmo liiskiisa geeyey. Sidoo kale ururada ASAD iyo UDUB ayaa mid waliba 16 degmo liisaskiisa musharaxiinta geeyey, halka uu ururka BIRSOL 14 degmo liiskiisa geeyey, sidoo kalena ururka HORMOOD ayaa 12 degmo liisas u gud-biyey, halka uu ururka SAHAN liisas geeyey 11 degmo. Hase yeeshee guddigu waxay carrabka ku dhufteen meelo ay weli wax qabyo ku yihiin duruufo jira awgeed, sidaa darteed ay mar kale soo saari doonaan liiska kama dambaysta ah ee musharaxiinta ururada siyaasadda iyo inta degmo ee urur waliba ku guulaystay inuu liis musharaxiin ah geeyo.
Dhinaca kalena waxay guddiga doorashooyinku sheegeen inay doorashadu ka dhici doonto 800 oo goobood oo ay 405 goobood oo ka mid ah loo asteeyey saddexda gobol ee Togdheer, Sanaag iyo Sool, halka 395 gooboodna loo asteeyey saddexda gobol ee kala ah Hargeysa, Saaxil iyo Awdal, laakiin guddiga doorashooyinku waxay intaa ku dareen in jiidaha uu dadka codaynayaa bato loogu sii talo geli doono sanaaduuq iyo goobo cod-bixineed oo dheeraad ah, taasina ay noqon doonto farsamo maamul oo ay guddiga doorashooyinku meel marin doonaan.
Inkasta oo marka dhinac laga eego ay u muuqatay in sheekada la soo dhoweeyey, hadana waxa madashaasi kama ay madhnayn qar-qarbo iyo kala qubnaan la xidhiidha dhinaca diyaar garowga doorashada.
“Baaxadda hawsha diiwaan-gelinta iyo waqtiga yaraantiisa ayuun baan tilmaamayey ee wax kale ma jiraan”sidaa yidhi gudoomiye-xigeenka ururka ASAD, C/raxmaan Aw-Cali oo hadal ku dhex-tuuray sheeko ku saabsan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha oo ay guddigu sheegeen in la samayn doono, laakiin sheekadu way sii socotay. “Iminka ma si rasmi ah ayaa loo qaatay in diiwaangelin la sameeyo, ilayn awel waxaan ogaa, iyadoo ay taa weli doodi ka taagan tahay”sidaa waxa guddiga waydiiyey xoghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir, laakiin Cabdi Aw-Daahir waxa uu intaa raaciyey su’aal kale, taas oo ahayd hadii ay goobaha cod-bixintu kala dad bataan oo masalan ay meel iska diiwaan-geliyaan 500 oo qof, meelna 2000 oo qof sidee bay taasi noqonaysaa, balsa Maxamud xaashi oo KULMIYE ah ayaa u qushuucay su’aasha Cabdi Aw-Daahir, sidaa darteed ta’kiidyey. Laakiin guddiga doorashada laftoodu inkasta oo ay sheegeen inay samaynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, hadana way qirteen inay tahay hawl aan sahlanayn, balse laga fursan-waayey, waxayse jawaabtooda su’aashaa la xidhiidha gun-dhig uga dhigeen in goobtii uu dadku bato sanaaduuqda loo badin doono.
Ururka UDUB oo lagu tirinayey inuu yahay ururka ugu fadh-fadhlaysan, isla markaana lagu naanayso inuu shaadhkii dawladda huwan yahay ayaa hadana marka la eego madashii shalay ay isku waajaheen ururada siyaasadda iyo guddiga doorashooyinku waxa la odhan karaa qar-qarbo ayaa ka muuqatay. Tusaale ahaan lama filayn inuu 16 degmo oo keliya gacanta la gaadho, laakiin waxay arintu noqon kartaa laba hal mid uun hoos u dhac ku yimi ururka iyo inaanu markii horeba jirin tuhunkii shishlaa ee ay dad badani ka qabeen ururka UDUB. Laakiin marka laga yimaado ururada uu orodkoodu badnaa, sida KULMIYE iyo UCID oo noqday labada urur ee degmooyinka ugu badan liisaska musharaxiinta geeyey, waxa kale oo iyana xusid mud ururka ASAD oo ay dad badani aaminsanaayeen inaanu isu kala bixinayn hawsha diyaar garowga doorashada, waxayna sababta sidaa loo aaminsanaa ahayd, iyadoo la filayey inaanu ururka ASAD diyaar u ahayn inuu ka qayb galo doorashada dur-baanka loo tumayey, isla markaana muddo badan oo ay ururada siyaasadda san-qadhoodu badnayn oo ay ku jireen olole xoog leh ururka ASAD waxa uu ku jirey Hadhsi, laakiin dhawr toddobaad ka hor ayey mar qudha olole bilaabeen, isla markaana waxay gud-biyeen liisaskii musharaxiinta, taas oo hadda u muuqatay inuu ururka ASAD diyaar u yahay inuu doorashada ka qayb galo.
Arinta kale ee iyana kulankii shalay laga xusi karaa waxay tahay ururada HORMOOD iyo BIRSOL oo uu urur waliba goonidiisa u gud-biyey liisaska musharaxiintiisa, hadana ay guddiga doorashooyinku madasha kaga tiraabeen inay labadaa urur midoobeen oo ay isku noqdeen urur keliya, iyaga oo qaatay magaca HORMOOD. Hase yeeshee guddiga doorashadu waxay intaa ku dareen inay labada urur ee midoobay ka sugayaan inay u soo gud-biyaan liis midaysan oo musharaxiintooda ah, taas oo u muuqatay in mar kale dib loogu noqonayo liisaska musharaxiinta ee ay hadda labadaa urur soo gudbiyeen.Sidoo kalena waxay warar arintan ku saabsani tibaaxeen inay jiraan ururo dhexdooda ku muransan xubnaha laga sharaxay meelo qaarkood, taas oo ay wararka qaar leeyihiin waxa xataa jira ururo ilaa laba liis oo is khilaafsan gudbiyey, taas oo ay doodeedu taagan tahay.
H |
argeysa (Haatuf): Dhawrkii maalmood ee u dambeeyey waxa magaalada Hargeysa si weyn looga hadal hayey khilaaf aan soo if-bixin oo ka dhex-taagan ururka dawladda ee UDUB, taas oo ay wararku tibaaxeen inuu dareenka khilaafkaasi aad u sii muuqday maalmihii u dambeeyey ee ay ururada siyaasaddu ku hawlanaayeen gudbinta liisaska iyo magacyada musharaxiinta uga qayb gelaya tartanka doorashada dawladaha hoose, laakiin waxay wararka qaarkood leeyihiin meelaha qaarkood waxay hogaamiyayaasha UDUB u gudbiyeen ilaa laba liis oo is khilaafsan, taas oo markii dambe keentay muran iyo buuq.
Inkasta oo aanay ilaa hadda jirin warar rasmi ah oo la xidhiidha inta uu qoto le’eg yahay khilaafka UDUB, hadana waxay wararka qaar leeyihiin waxa jira loollan gudaha ururka ah. Hase yeeshee waxay wararku intaa ku darayaan inuu loolankaasi u qaybsan yahay ugu yaraan laba weji oo kala ah: Ta hore waxay noqon kartaa damac siyaasadeed dhinaca mustaqbalka ah, taas oo noqon karta inay jiraan rag aan ahayn madaxweyne Rayaale iyo kuxgeenkiisa oo uu damac ku jiraa ama waxay noqon kartaa mansabyada labadaa kursi ka hooseeya oo la kala riixanayo, laakiin ta labaad inkasta oo ay taa hore soo hoos geli karto, hadana waxa la hadal hayaa inay ragga sarsare ee ururku, sida wasiirada iyo ragga kale ee awoodda siyaasadeed ku leh ururka dhexdiisa isku qardoofeen xulista xubnaha musharaxiinta ururkooda uga qayb gelaya doorashooyinka dawladaha hoose, taas oo uu nin waliba doonayo in meesha laga soo sharaxo rag uu isagu wato.
Tusaale ahaan xoghayaha guud ee ururka UDUB, Cabdi Aw-Daahir oo shalay ka qayb galay kulan ay guddiga doorashooyinku ururada siyaasadda kula yeesheen xaruntooda Hargeysa waxa 15-kii daqiiqoba albaabka hoolka shirku ka socdey isa soo taagayey qof doonaya Cabdi Aw-Daahir, ragga halkaa yimina waxa ka mid ahaa wasiirka waxbarashada, Axmed Yuusuf Ducaale oo gooni ula faqay Cabdi Aw-Daahir, waxayna dadkii xayndaabka xarunta guddiga doorashooyinka joogay isla dhexmarayeen inuu xarakaadka hogaamiyayaasha UDUB daarran yahay khilaaf la xidhiidha xulista xubnaha musharaxiinta dawladaha hoose. Laakiin waxay wararka arintaa la xidhiidhaa intaa ku darayaan inaanu khilaafkani ahayn mid cusub, balse uu inmuddo ah soo jiitamayey loollan dhinaca awoodda ah oo u dhexeeya ragga sarsare ee ururka UDUB, ha noqdeen wasiirada ama ha noqdeen ragga sida tooska ah u maamula ururka. Hase yeeshee ilaa hadda khilaafkaasi ma aha banaanka iska keenay ee waa mid ku jira hulalka siyaasadda.
B |
erbera & Burco (Haatuf): Mudaharaad lagaga jawaabayo hadalkii C/qaasin Salaad ee ahaa waa inay Somaliland laga qayb geliyo shirka dib-uheshiisiinta Somaliya ayaa shalay ka kala dhacay magaalooyinka Berbera iyo Burco, waxaana mudaharaadadaa ka qayb galay dadweyne badan, isla markaana waxa dadweynihii labadaa magaalo ee isu soo baxay la hadlay madaxda labadaa magaalo iyo qaar ka mid ah hogaamiyayaasha ururada siyaasadda.
Sida ay ku soo kala warameen weriyayaasha Haatuf ee labadaa magaalo waxay dadka mudaharaadyadaa ka qayb galay siteen boodhadh ay ku qoran yihiin halku-dhegyo ay ku diidan yihiin hadaladii ka soo yeedhay C/qaasin iyo weliba C/laahi Yuusuf, waxayna mudaharaadayaashu socod ku mareen wadooyinka labadaa magaalo.
Dadka mudaharaadayey ee reer Berbera waxay aakhirkii isugu tageen fagaaraha la yidhaahdo 26-ka Juun, halkaas oo ay kula hadleen madaxda maamulka Berbera, waxaana masuuliyiintii halkaa ka hadashay ka mid ahaa maayarka, isla markaana ah badhasaabka Saaxil, Xasan Gadhweyne iyo weliba dad kale oo ka mid ah maamulayaasha kale ee dawladda iyo madaxda ururada Ijtimaaciga ah.
Dhinaca Burcona waxay mudaharaadayaashu isugu yimaadeen fagaaraha khayriyadda Burco, halkaasna waxa kula hadlay madaxda maamulka oo uu ka mid yahay maayarka Burco, Aadan waqaf oo sheegay inay Burco tahay halkii lagaga dhawaaqay la soo noqoshada madax banaanida Somaliland, sidaa darteed ay si weyn u diidan tahay hadalada ka soo yeedhaya C/qaasin iyo ragiisa, kuwaas oo ku hadaaqaya in Somaliland dib loogu sanduleeyo midnimadii ay hore ugu hungowday.
Sidoo kale dadka isugu soo baxay fagaaraha khayriyadda Burco waxa la hadlay gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) isaga oo tilmaamo ka bixiyey sidii ay ku timi la soo noqoshada Somaliland iyo halgankii adkaa ee loo soo maray.
Dhinaca kalena magaalada Hargeysa ayaa ilaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco banaan bax kaa la mid ahi, iyadoo ay banaan baxyo kale oo kuwaa la mid ahi hore uga dhaceen magaalooyinka Boorame iyo Gebilay.
Taliye NO:19.
D |
hawr maalmood ka hor intii aanu dhicin inqilaabku waxa I soo gaadhay war-bixin sheegaysa in ciidamada cirka ay dhexdooda ka jirto dhibaato, laakiin markii aan warkaa maqlay waxaan inay arintaasi jirto iyo war ka hayo waydiiyey wasiirka nabad-sugidda, wuxuuna ii sheegay inuu jiro waxoogaa is af-garanwaa ah oo ka dhextaagan taliyaha iyo taliye xigeenka ciidankaa.
15-kii Juun 1988-kii oo ahayd maalin uu madaxweynuhu u safrayey dalka Jarmalka bari ayaan maalintaa gelinkeedii dambe shirgudoon ka ahaa shir ka socday xarunta maamulka dawladda, shirkaasna waxa lagaga hadlayey ajande ku saabsan sidii ay doorashooyin u dhici lahaayeen, laakiin markii ay saacaddu ahayd abaara 2:15 daqiiqo ayuu telefoon igu soo dhacay, waxaana telefoonkaa soo diray nin la yidhaahdo Edisiyu, dabadeedna anigu iska fahamsan inaanu ninkaasi telefoonkaa ii soo direen hadii aanay jirin xaaladda degdeg ahi ayaan qabtay telefoonkii, wuxuuna igu yidhi “Hawl yar baa u tegay xeradii ciidamada, laakiin markii aan is idhi ka soo bax ayaa lay diiday inaan ka soo baxo”, ka dibna waxaan ku idhi “Maxaa dhacay”ayuu iigu jawaabay “Ma garanayo, balse anigu oo qudha ma aha ee rag kale oo badan ayaa iyana loo diiday inay xerada ka soo baxaan”. Arintaasi waxay ahayd wax aan hore u dhicin, waana iska gartay inay wax jiraan, ka dibna waxaan la hadlay wasiirka nabad-sugidda Col. Tasfaaye oo aan waydiiyey, waxayse markaa wada hadlayeen nin la yidhaahdo Mangistu Gamachu, waxaan maqlay wixii ay ku wada hadlayeen, taas oo aan maqlay inay isu sheegayaan inuu inqilaab jiro, intaa markii aan maqlayna wax dambe ma sii waydiin ee telefoonkii ayaan iska dhigay, dabadeedna aniga iyo niman kale ayaa is raacnay oo qabanay dhinaca madaxtooyada, laakiin markii aanu sii gelaynay ayaanu aragnay Tasfaaye waxaanu noo sheegay inuu inqilaab jiro, isla markaana ay shir ku jiraan janaraaladii inqilaabka waday, intaa ka dib waxaanu kormeer ku samaynay xaaladda madaxtooyada, waxaanuna aragnay xafiiskii abaabulka kacaanka ee qoomiyadaha Itoobiya oo aanay cidiba joogin oo cidla ah, isla markaana xataa telefoonadii laga jaray.
Hadana waxaan tegay xafiiskii Mangistu Gamachu waxaana halkaa ka helay wasiirkii difaaca Major Genaral Hayle Gorgis, waxaana waydiiyey xaruntii wasaaradda difaaca shirka ka socda inuu wax ka ogyahay iyo in shirkaasi yahay mid fasax looga qaatay, wuxuuna inaanu wax war ah ka hayn, sidaa darteed maadaama aanu shirkaasi ahayn mid looga fasax qaatay wasiirka difaaca waxaanu u aqoonsanay mid sharci daro ah, sidaa darteed waxaanu xagayaga uga diray laba nin oo kala ah Dabala Dinsa iyo Tadla oo aanu faray inay nimanka shirka wada ku yidhaahdaan shirka joojiya, isla markaana hadii ay diidaan inay joojiyaan waxaabu go’aansanay inaanu talaabo ka qaadno. Sidaa awgeed xarunta wasaaradda gaashaan-dhigga waxaanu ku wareejinay taangiyo. Intaa ka dib anigu waxaan ku noqday xagga xarunta maamulka dawladda, laakiin markii aan halkaa gaadhay waxaan arkay laba diyaaradood oo miigag ah oo meel hoose oo magaalada dhexdeeda ah duulaya. Ta kale waxaan arkay niman saaxiibaday ah oo ciidanka cirka ah oo aan yaabay waxa ay wadaan iyo dhaqdhaqaaqa ay wadaan, xiligaana meel walba saraakiil sarsare ayaa isaga soo baxay oo shiraya, laakiin dhamaantayo maanu fahamsanin waxa ay damacsanyihiin, balse rag baa iswaydiinaya nimankani ma iyaga oo aan waxba noo sheegin ayey doonayaan inta ay Mingistu ridaan inaanu hadhow wada shaqayno.
Aniga laftaydu waxaan la hadlay taliye-xigeenkii ciidanka cirka waxaana ku idhi “Maxaa jira”, wuxuuna iigu jawaabay “Amar baan ka sugayaan taliyahaygii iga sareeyey intaa wax ka badan oo aan kuu sheegi karaana ma jirto”. Laakiin aniguna dhinacayga waxaan u sheegay diyaaradaha miigagga ah ee magaalada dhex-duul-duulaya, kuwaas oo cabsi ku abuuray maatada iyo dadka xanuunsanaya ee magaalada gudaheeda ku nool. Laakiin hadana waxaan goor dambe maqlay inuu ninka la yidhaahdo Janaraal Abara Abebe dilay wasiirkii difaaca Hayle Gorgis, isla markaana Abara iyo wasiirka difaacu aad bay isu nebcaayeen.
Sarkaalka la odhan jirey Janaral Amaane waxa uu ahaa nin aad u karti badan oo adag, laakiin weli waxaan iga dhaadhacsanayn Amaane iyo janaraaladii kale ee geesimadooda ku muujiyey dagaaladii hore u dhacay iyo habkii ay wax u maamuli jireen sidee bay iyaga oo aan tabaabushaysan ugu dhaqaaqeen inqilaabka.
Ragga hawsha inqilaabka wada waxa ku jiray rag badan oo aanu saaxiibo nahay, laakiin mid qudhi sirtooda waxba iigama sheegin, balse waxa keliya ee aanu sheekada ka fahamnay waxay ahayd inay Janaraal Abara iyo Hayle Gorgis is nebcaayeen, dabadeedna waxa na gashay sheeko kale.
Halkaa markii ay maraysay ayaa anigu iyo rag kale oo ay ka mid ahaayeen Fiqrasalaase, Adise iyo niman kale oo fara badan ayaa tashanay oo hawlihii qaybsanay, waxaanuna qaadnay wixii talaaabooyin ah ee looga baahnaa xaaladda jirta…La soco cadadka dambe.
D |
hagax-Guduud (Haatuf): 3 doonyood iyo 2 laash oo laga
leeyahay dalka
Ibraahim Caraale Cabdi oo aanu kula xidhiidhnay isaga oo jooga halka lagu haysto doonyaha ayaa sheegay inuu isagu ka masuul yahay afduubka doonyaha ayna doonyaha qafaasheen 31/10/02 haatana ay ku hayaan Dhagax-guduud oo ka tirsan degmada Maydh oo ka tirsan gobolka Sanaag.
Ibraahim Caraale oo ka hadlaya sababta ay u afduubeen
doonyaha ayaa sheegay inay kaga aargoosanayaan dhac isdaba joog ah oo ay dadka
Yamantu u gaysteen ganacsatada xoolaha ka qaada Somaliland isaga iyo rag uu ka mid yahayna
ay taasi ku dhacday. Ibraahim Caraale isaga oo ka hadlaya dhaca loo geystay
waxa uu sheegay in xoolaha uu u geeyay
Ibraahim isaga oo ka hadlaya lacagta laga dhacay waxa
uu sheegay in ay dhantahay 1,71000$ uuna ka dhacay
nin la yidhaahdo Yaxye Al-Cimaad oo ah wakiilka xoolaha Soomaalida ninkaasina
uu yahay kornayl ka tirsan Ciidamada nabad sugida
Waxa uu intaa ku daray in uu hawl galkaa lagu afduubay doonyaha u hogaaminayay nin la yidhaa Ismaaciil Ibraahim Dhunkaal oo isaguna ka mid ah sida uu sheegay ganacsatada xoolaha laga dhacay. Mar aanu weydiinay Ibraahim sababta ay u afduubeen doonyaha waxa uu sheegay inay ujeedadoodu tahay inay ku helaan lacagta lagaga dhacay Yemen, isaga oo intaa ku daray in doonyahan mid ka mida uu leeyahay ninka magaciisa la yidhaahdo Al-Cimaad oo ah ka uu sheegay inuu dhacay, midna ay leedahay dawladda Yemen, midna dad shicib ah balse ay isku dhaw yihiin ama ay qaraabo yihiin ninka uu sheegay inuu dhacay.
Sida uu sheegay Ibraahim doonyaha waxa saaran 40 nin oo ah shaqaalaha doonyahaasi iyaga iyo doonyahana ay u haystaan xoolihii laga dhacay.
Sababta kaliftay afduubkaasina
ay tahay dhaca loo gaysto dadka Soomaalida oo noqday waxay caadaysteen Yemeniyiintu
waxna aan lagaga qaban gudaha
Ibraahim oo aanu weydiinay inay cid la xidhiidheen waxa uu ku sheegay inay la xidhiidheen Raadyowga Cadan jawaabna aanay ka helin.
Dhinaca xukuumada Somaliland wuxuu sheegay inay la xidhiidheen xafiiska Somaliland ay ku leedahay Yemen balse aanu wax awooda ku lahayn oo uu wax kaga qabto arrintaa, isaga oo ka hadlaya dhinaca maamulka gobolka Sanaag, waxa uu sheegay inay la soo xidhiidheen wada hadalna uu u socdo, sidii xal loogu heli lahaa arrintan
H |
argeysa (Haatuf): Xaflad lagu xusayay sanad guurada 8aad ee aas aaska Ciidanka booliska Somaliland ayaa xalay lagu qabtay xarunta taliska guud ee Ciidanka booliska Somaliland, kaasoo ay ka qayb galeen Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland Madaxda taliska booliska Somaliland iyo marti sharaf kale oo badan. Munaasibadaas waxa hadal ka jeediyay Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay inuu wakiil ka yahay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxaanu ka waramay ahmiyada iyo kaalinta ay Ciidamada boolisku kaga jiraan horumarka dalka iyo sugida amaanka. Waxaanu amaanay hawsha ballaadhan ee ay Qaranka u hayaan. Waxa kale oo munaasibada ka hadlay madax ka tirsan booliska oo ka waramay xilka ay hayaan iyo shaqada Ciidanka booliska.
Maalintii shalay oo bisha November ahayd 3 waxa ay ku beeganayd sanad guurada 8aad ee markii la aasaasay Ciidanka booliska ee Somaliland oo dhidibada loo taagay 3/11/1993kii. Tan iyo mudadaana waxay Ciidamada boolisku soo mareen marxalado kala duwan waxaanay kaalin weyn ka soo qaateen dhismaha Qaranka Somaliland.
Xuska maalintan awgeed waxa dhambaal qoraal ah oo munaasibadan ku Aadan nasoo gaadhsiiyay madaxa hogaanka wacyi gelinta booliska Muxumed X. Soofe Ismaaciil kaasoo uu kaga waramayo aasaaskii Ciidanka booliska iyo marxaladihii uu soo maray. Waxaanu qornaa sidan.
“ xuska sanad guurada 8aad ee booliska JSL wuxuu ku Aadan yahay 3/11/02, maalintaas curashada booliska waxa la odhan karaa, iftiinbaa u dhashay Somaliland, waxaana muuqatay rajadii nabadgelyada. Neecowdii degenaashuhuna way muuqatay, habqan iyo jiitan iyo yacyacood soo maray Somaliland kuma burburin booliska dalku. Iyagoon tiro badan ahayn oonay gaadiid lahayn oo aanay xabsiyo wax lagu xidho lahayn isla markaana aanu jirin dhaqaale ay u xishaan oo ay dalka qabyaaladi boqor u tahay, ayay karti iyo wadaninimo muujiyeen oo maanta ku soo gaadhsiiyeen nabadgelyo aan adduunka kale lagu sheegin. Wax ma garadka iyo aqoon gaabku ma garanayaan kaalinta boolisku ugu jiro bulshadiisa. Qofkiise aqoon lihi waa garanayaa waxtarkuu u leeyahay boolisku dadkiisa. Waxaan maqaalkayga ku soo koobayaa walaalayaal afar qodob oo la raaciyay booliska midna ma sugi karaan, bulshooy la’aantiin, waana kuwan hoos ku qoran:
- Sharci dhawrid
- Nabad jirid (Ilaalin)
- Dhaqan Sugid
- Dhaqaale Kobcin
Waxa hubaal ah afartaas qodob oo ah ummad kasta oo jirta tiirarka noloshooda oo aanay la’aantood waxba ka qaban karin Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa gacmo wada jirbay ku gooyaan”
H |
argeysa (Haatuf): Dawladda Liibiya ayaa go’aansatay inay suuqyada dalkeeda u furto xoolaha Soomaalida, oo mudaba ay xayiraad ku hayeen dalalka Khaliijka Carabtu, waxaana sidaa shaaca ka qaaday Safiirka Liibiya u qaabilsan Soomaaliya Iyo Somaliland Ciise Cashuur oo ay xalay hotelka uu degan yahay ee Maansoor kula kulmeen weriyayaal ka tirsan Haatuf. Safiirka oo maalintii doraad la kulmay Wasiirka xanaanada xoolaha ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxa uu sheegay inuu Wasiirka u xaqiijiyay go’aanka ay dawladda Liibiya suuqyadeeda ugu ogolaatay xoolaha Soomaalida, waxaanu intaa ku daray in arrintaas ka wada xidhiidhayaan ganacsatada labada dal qorshena loo dejin doono si aanay fawdo uga dhalinin qorshaha iibgeynta xoolaha. Xoolaha Soomaalida oo muddaba u xayirnaa markii ay xayiraada xoolaha soo rogeen dalalka Khaliijku, waxay taasi dhibaato ku haysay bulshada Soomaalida oo ay xooluhu u yihiin laf-dhabarta dhaqaalahooda. Suuqyo kale oo loo helo iibgeynta xooluhuna waxa ay fudadinaysaa dhibaatadii ay arrintaasi keentay, ilaa iyo hadda ma cadda xadiga ay qaadan doonto dawladda Liibiya iyo sida uu go’aankani u hirgali doono.
Safiirka Liibiya Ciise Cashuur waxa kale oo uu la kulmay Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Maxamuud Suufi Maxamed oo ay ka wada hadleen dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin in ay Liibiya waxbarasho siiso ardayda Somaliland ee doonaysa inay bartaan culuunta diinta, iyo inay Liibiya kutub diiniya ugu deeqdo. Wasaarada Diinta waxa uu safiirka Liibiya ballan qaaday inuu arrimahaa gaadhsiin doono dawladiisa Liibiya, si wax looga qabto.
Safiirka Liibiya oo maalmahanba booqasho ku joogay dalka waxa uu hore ula kulmay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Siciid Gees oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal.
Dhinaca kale wefti heer sare ah oo u socda arrinta xayiraad ka qaadista xoolaha Somaliland ee dalalka carabta loo iib geyn jiray ayaa la filayaa inay maanta soo gaadhaan caasimada Hargeysa xubnaha weftiga oo ka kala socda qaramada midoobay, midowga Afrika, Sucuudiga, Iyo Wakiilo ka socda hay’adaha qaabilsan caafimaadka xoolaha nool iyo xubno ka tirsan midowga Yurub (EU), waxa la sheegay inay u socdaan xaqiiqo raadis ku saabsan amuurta xayiraada xoolaha. Waxaana la filayaa inay la kulmi doonaan madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo masuuliyiin kale oo uu ka midyahay Wasiirka xanaanada xoolaha ee Somaliland. Ma cada ilaa iyo hadda mudada ay weftigaasi dalka joogi doonaan.
Arsenal waxa la kulantay laba guul daro oo isku xiga waxay ku soo dhawaatay faraqii u dhaxeeyay Liverpool ee horyaalka waxayna si dirqiya uga guulaystay Kooxda Fulham, Marlet ayaa koonihii u soo laagay Thierry Henry ku sululuxiyay shabaqooda halkaana ku siiyay guushii ay sida aadka ah ugu baahnayd Kooxda Arsenal. Taasoo yaraynaysa hogaamintii Liverpool ee ciyaaraha iyadoo ka dhigtay 7 dhibcood ee ay hogaanka ku haysay afar dhibcood oo kaliya. Fulham waxay qaybtii hore ee ciyaarta dirqi ugu sigtay inay hal dhibic ka xan gurufato Arsenal hase yeeshee taasi way suurta gali weyday waxayna taasi farax galisay tababaraha Arsen Wenger oo xili ciyaareedkan ay kooxdiisu dib usoo noolaysay firfircoonidii hore inkastoo uu weli Captainkii Kooxda laba ciyaarood la ganaaxay hase yeeshee ay dib ugu yeedheen Dennis Berkhamp. Kooxda Fulham waxa jahawareertay daqiiqdii 9aad ka dib markii garsoore Jeff Winter uu waxba kama jiraan ka dhigay toogasho xor ah oo ay dalbanayeen ka dib markii Sol Campell isku duubay dhaliyihii hore ee Arsenal Luis Boe Marlet waxayna Arsenal si nasiib wanaag ah u heleen daqiiqadii 31aad gool loogu simbiririxooday oo uu dhaliyaha Fulham Marlet shabaqooda galiyay koone Henry oo meel dhaw ka soo waydaartay goolhayaha Fulham waxa suurta gal u ahayd Arsenal 7daqiiqo ka dib inay gool kale dhaliso haddii aanu si deg deg ah isku kala bixin goolhayaha Fulham toogasho uu la soo beegtay Freddie Ljunberg. Tababaraha Fulham wuxuu qaybtii dambe ee ciyaarta 10 daqiiqo gudahood ku sameeyay laba isbedel isagoo xidigii Arsenal Ina Moto iyo Barry Hayles ku bedelay labadaa nin Martin Djetou iyo Steed Malbrangne.
Kooxda inter ayaa laba iyo eber kaga badisay Kooxda Somo Sunday taas oo ay saddex dhibcood hogaanka ugu qabanayso horyaalka Talyaaniga kana dul boodayso Kooxda xinku ka dhaxeeyo ee AC-Milan qaybtii labaad ee ciyaarta Christian Vierri jabay iyadoo wax gool ah la kala dhalin hase yeeshee Al-Varo Recoba ayaa goolkii labaad ee guusha u saxeexay kooxdiisa.
Real Madrid ayaa wali sii wadata natiijooyinkeedii la yaabka lahaa ka dib markii ay ku kala bixi waayeen 0-0 sabtidii labada kooxood waxay leeyihiin min 13 dhibcood oo kaliya inkastoo oo Madrid 5 gool ku horeyso dhinaca gool dhalinta. Roobab laxaad leh oo da’ay xiligii ciyaarta socotay ayaa garoonka ka qoday xurfado iyo biyo buuxiyay garoonka oo suurta gal ka dhigi waayay in weeraryahanku xirfadiisa isticmaalo waxana ugu dhawaa gool la dhaliyo darbad dheer oo xoog ah oo uu soo laaday ciyaarayahanka R. Carlos balse waxa badbaadiyay goolhayaha Kooxda Deportivo La Caruna.
Espaniyol 0-1 Valencia
Osasuna 0-1 Recretive
Villereal 0-1 Real Socieded
Betis 3-0 Molaga
Atheltic Bilba 2-1 Celta rigo
Ciyaartii Chelsea Tottaham dhaxmartay garoonka White Hart Lane, maalintii shalay ayay isla dhaafi waayeen 0-0, taas oo uu sababta ugu weyn lahaa goolhayaha Chelsea Carlo ka dib markii uu kaga guntaday kooxdiisa darbado fara badan oo lala beegsaday wuxuuna ahaa difaaca tiirka adag u noqday in Chelsea ay xajisato rikoodhkeedii ahaa inaanay weligeed ka adkaan kooxdan Tottaham ciyaar horyaalkan dhexmartay oo mid waliba dhinaceeda u mitidaysay wuxuu dedaalkoodu ku dhammaan inaan midkoodna dhashan gool iyadoo ay xaaladi ku xumaan lahayd, wiilka talyaaniga ah ee carlo ee Chelsea gool u haya.
Naadiga Chelsea oo isku xidhkoodu aad u fiicnaa ayaa darbad daqiiqadii afar iyo labaatanaad xoog leh ku dhufatay boodhadhka xayaysiiska mid ka mid ah waxaanu bidixda ka weydaariyay gool haye Kasey Kellers
W |
ashington (W.Wararka) Mas’uuliyiin maraykan ah ayaa xaqiijiyay in ay go’aan ku gaadheen samaynta saldhig milatari oo ay ku yeeshaan geeska Afrika si ay taasi uga caawiso ka hortaga iyo la dagaalanka kooxaha lagu tuhunsanyahay argagixisada.
Waxa kale oo saldhigani u suurta galinayaa inuu Maraykanku weerar ku qaadi karo dalka Ciraaq, haddii uu u baahdo.
Mandaqada geeska Afrika ayaa
noqotay bartilmaameedka uu Maraykanku indhaha ku hayo, ololihiisa uu ugu yeedho
la dagaalanka Argagixisada iyo ugaadhsashada xubnaha lagu tuhunsanyahay inay
xubno ka yihiin ururka Al-Qaacida ama dadka taageersan. Taasi waxay keentay inuu
Maraykanku horeba Saldhigyo milatari oo uu dejiyay
boqolaal ka tirsan ciidamadiisa ka samaysto dalka
Todobaadada soo socda waxa uu Maraykanku hawlo diyaar
garow ah ka samaynayaa saldhiga uu ku leeyahay
dalka
C |
ambodia (W. Wararka) Shir madaxeed ay ku kulmeen dalalka Koonfur Bari Aasiya ee loo yaqaan ASEAN ayaa shalay ka furmay caasimada dalka Kaamboojiya iyadoo amaanka aad loo adkeeyay oo la dhigay kumanaan Ciidamada amaanka ka tirsan, shirkan oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka shiinaha, Vitnem, Laos, Cambodia, Thailand, Maymaar, waxa ay Madaxda dalalkaasi kaga wada hadlayaan horumarinta dhaqaalaha iyo hagaajinta arrimaha bulshada iyadoo ay dalalkaa ku nool yihiin marka la isku daro 2ba bilyan oo qof, waxa kale oo ka mida ajandaha ay ka wada hadlayaan xoojinta amaanka iyo la dagaalanka argagixisada, iyadoo la soo qaadi doono weerarkii dhawaan lagu qaaday dalka Indonesia si aanay ugu soo fidin hawlaha iyo dhaqdhaqaaqyada ay wadaan kooxaha loogu yeedhay argagixisada.
S |
anca (W. Wararka) Diyaarad kuwa qumaatiga u
kaca ah oo uu leeyahay Maraykanku ayaa la sheegay in weerar gantaalo ah lagu
qaaday dalka Yemen halkaasoo uu ku dhaawacmay mid ka mid ah duuliyayaashii
la socday, weerarkan waxa diyaarada lagu qaaday wax yar ka dib markii ay ka
kacday garoonka diyaaradaha ee caasimada Sanca iyadoo ku sii jeeda dhul saliida
laga soo saaro oo ku yaalla degmada Ma’arib, oo dhinaca bari ee dalkaasi ku
taala lagana soo saaro batroolka. Sida uu sheegay masuul sare oo ka tirsan
Ciidamada amaanka ee
Dawladda
C |
amaan (W. Wararka) Shir ay ku kulmeen haweenka carabtu ayaa shalay ka furmay caasimada dalka Urdun ee Camaan. Shirweynahan oo socon doona muddo laba maalmood ah waa kii labaad ee noociisa ah ee la qabto waxa lagaga wada hadli doonaa hagaajinta xaaladda haweenka ee dalalka carabta. Shir weynahan marwada boqorka Dalka Urdun Raaniya Cabdilaahi ayaa gudoomiyenimada kala wareegtay marwada madaxweynaha Masar, Susaana Mubaarik. Waxa mudada labada maalmood ee uu socdo lagaga wada hadli doonaa arrimaha haweenka khuseeya ee dhinacyada siyaasada dhaqaalaha, bulshada, sharciga, iyo caafimaadka, iyo sidii loo samayn lahaa urur kulmiya haweenka carabta ah oo isagu xil qaada fulinta qaraarada lagu gaadho shirarka haweenka carabta.
Shirkan oo gebagebadiisa ay ka soo saari doonaan haweenka carabtu bayaan waxa la filayaa inay kaga hadlaan hagaajinta xuquuqda haweenka carabta iyo inay cambaareeyaan dhibaatada ay Israa’iil ku hayso haweenka reer Falastiin. Shirkan haweenka carabta waxa ka qayb galaya haween ka kala socda 18 dal oo carab ah waxaana ka mid ah shan marwo oo u dhaxay madax ka tirsan carabta oo ay ka mid yihiin marwooyinka Madaxda dalalka Urdun, Masar, Lubnaan, Suudaan, Iyo Moroco waxa kale oo shirka goob joog ka ah Xoghayaha guud ee jaamacada carabta, Caamar Muusa. Ururka jaamacada Carabta ayaa hore go’aan ugu gaadhay sanadkii 2000 in la qabto shir ay ku kulmaan haweenka carabtu si ay uga wada hadlaan arrimaha iyaga khuseeya.