Haatuf News
Issue: 196________________________________ Salaasa, November, 5, 2002
Waraysi khaas ah
B |
oorama (Haatuf): Ururada siyaasadda iyo tartanka doorashooyinka ayaa ah mawduuc ay sannadkan dadka reer Somaliland aad carrabka ugu hayaan nolol-maalmoodkooda, gudbintii liisaska musharaxiinta golayaasha degaanka ee ay ururada siyaasadda ee Somaliland u gudbiyeen guddiyad doorashooyinka ee heer degmo iyo heer gobol ayaa ahayd tallaabo dhammaystirkeeda loogu talogalay 31-kii bishii tagtay ee October, haddaba isla maalintaas ayuu wargeyska Haatuf ka waraystay arrimaha doorashooyinka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee gobolka Awdal Sacad Sh. C/raxmaan Qaadi, isaga oo guddoomiyuhu warbixin guud arrintaa ka bixinayana wuxuu yidhi; “Maansha Allah, markii hore dhibaatooyin badan ayaa ka horimanaya xisbiyada ayaan is lahaa, laakiin waxaad moodaa imika in waxyalo badan la soo fahmayo, imika oo xisbiyada gudahoodii ay dhaqdhaqaaqyo sameeyeen, hawshiina ay si fiican u socoto oo aanu xisbiyada badan ka hayno liiskii.”
Guddoomiye Sacad oo ka jawaabayay su’aal ahayd, maadaama muddo dheer aanu dadku doorashooyin arag, bal waxyaalaha ay kala kulmeen hawsha uu u xilsaaran yahay guddiga gobolka Awdal ee doorashooyinka ee uu madaxda ka yahay ayaa ku jawaabay; “Haddaan ka warramo dhibaatooyinka ilaa hadda, ha noqoto xisbiyada ama bulsho-weynta, ama ha noqoto xagga dawladda, cid kasta oo maanta deggen Somaliland, maadaama aan loo hayn wax waayo-aragnimo ah, dadka waqtigan joogaana ay u badan yihiin dad aan doorashooyin hore u soo arag, meel doorasho ka dhacaysana aan joogi jirin, ayaa waxay leedahay dhibaatooyin aad u farabadan. Run ahaantii, talo ahaan waxaan odhan lahaa in dadkan Somaliland loo furo siminaaro si ay u fahmaan doorashadu sida ay u dhacayso, waayo, badi ma fahamsana, intooda badan waxay ku odhanayaan wallaahi doorasho ma dhacayso, waayo haddii uu og yahay qofku, siminaarna u qaadan lahaa, waxaana fahamsan yahay wuxuu odhan lahaa walaahi doorasho caadi bay iskaga dhacaysaa, haddii aan tusaale ka soo qaado xisbiyada, dee maanta (31 October) may ahayn maalintii la or-ordi lahaa ee la odhan lahaa warqadihii iyo degaankii naga qabta, iyo hebel ku qor ama hebel aan ku qorno, wixii qoraal bay ku haysteen, way ogayeen inay waxooda sii qortaan oo ay sii diyaarsadaan, shalay oo kale xafiisyada inay wada keenaan ayay ahayd, halkaasi waxay ku tusaysaa inaanay waayo-aragnimo lahayn xisbiyada qudhoodu, bulshada qudheedii waa sidaa si le’eg, markaa anigu talo ahaan, ka gobol ahaan, waxaaan u soo jeeidn lahaa Somaliland ahaan; in arrintaa aad wacyi-gelin looga sameeyo, raadyowyada, jaraa’idka, iyo TV-yada, mikrifoono baabuurta lagu xidho. Arrintaa in aad waxyaalo badan ayaa jeclaan lahaa in wacyi-gelinta dadka la gaadhsiiyo.”
Isaga oo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobolka Awdal Sacad Sh. C/raxmaan Qaadi ka jawaabaya sida uu guddiga uu madaxda ka yahay u xalliyo bal haddii ay cabasho ka timaado ururada siyaasadda wuxuu ku jawaabay; “Wallaahi waxaad moodaa in ay sidii hroe yar dhaanto, oo ururada qaarkood u arkayeen waxyaalo ay dawladda uuni wadato, laakiin ay imika wax soo fahmayaan, haddii laakiin ay cabasho dhacdo, markahore waxaa jirta kalsooni, kalsoonidaasi waxa weeyaan nin kasta oo gobol jooga ama degmo jooga oo ka tirsan guddigan ama kumishanka qaranka ha noqdee inuu gacanta saaray kitaab jaamaca, dad iimaan lehna waanu nahay, caddaaladna waanu ku wadaynaa, dee ninka dhaartay isagay jirtaa, kalsoonidaas ayay imika ku soo wada dhacayaan xisbiyadu dhaqdhaqaaqayaga markay arkeen inaanu la tashanayno, iyagii baanu la tashanaynaa, xisbiyadii oo aanu mid-mid ugu yeedhaynaa, maxaa sidana iyo maxaan sidan yeelnaa.”
Guddiga doorashooyinka ee gobolka Awdal oo standby ku ahaa xafiiskooda maalintaa 31 October, ilaa xilligii ay ku ekeyd qabashada liisaska musharaxiinta ee maqribkii ilaa subaxnimadii, waxay u muuqdeen guddi loo xilsaaray degmooyinka gobolka Awdal oo aad u kala fog inay isku xidheen hawshooda doorashada, laakiin aan haysan gaadiid ay kaga hawlgeli lahaayeen xilkooda, iyaga oo maalintaa adeegsanayay qalabka is-gaadhsiinta ee foonyaha oo degmooyinka qaarkood aanay u suurtogelin inay war ka helaan, isla maalintaas.
Sida uu guddoomiye Sacad ugu warramay wargeyska Haatuf, demgada Baki ee gobolka Awdal waxaa ku guulaystay inay xilligii loogu talogalay u soo gudbiyaan guddiga doorashooyinka liisaskii musharaxiitna golaha degaanka afarta urur-siyaasadeed ee kala ah; UCID, KULMIYE, SAHAN iyo BIRSOL, saddexda degmo ee Boorama, Saylac iyo Lug-haya waxaa liisaskoodii gudbeen ururada kala ah; UDUB, KULMIYE, SAHAN, BIRSOL iyo UMAD, UCID iyo ASAD.
Guud ahaan xarunta gobolka Awdal ee Boorama ururada siyaasada ee Somaliland iyo arrinta doorashooyinkuba waa arrin aad ay dadku aragtiyo kala duwan iskaga weydaarsanayaan goobaha kala duwan ee dadku ku kulmaan.
Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal, Maxamed Cumar ayaa ku soo warramay inay shalay guddiyada doorashooyinka ee gobolka Awdal iyo degmada Boorama ay ku hawlanaayeen kala-saarista musharixiinta golayaasha degaanka ee ku jiray liisaskii hore ay ururada siyaasaddu u soo gudbiyeen, iyaga oo ku kala saarayay shuruudaha u dhigan kala-saarista musharixiitna. Weriye Maxamed Cumar wuxuu intaa ku daray in D/Hoose ee Boorama ay ku mashquulsanayd shalay u samaynta waraaqaha dembi la’aanta musharixiinta iyo qabashada lacagta ay musharixiintu canshuur ahaanta u bixinayaan marka ay isku hubsadaan liiska musharixiinta.
G |
ebilay (Haatuf): Lix Xubnood oo ah wefti ka yimid dalka
Xubnaha weftiga reer Finland ee booqday Gebilay oo
uu hoggaaminayay Jari Vitanen, oo ah hawlwadeen ka tirsan hay’adda Daryeelka
Carruurta (Save The Children) oo ka tirsan Finland, waxaa kale oo ka mid ahaa
saddex haween ah oo u dhashay dalka Finland oo kala ah; Marje Pentikainan
oo ka tirsan wasaaradda shaqada ee dalka Finland, Leena Maija Qvist oo iyana
ah haweenay ka tirsan, xafiiska shaqada ee dalka Finland, Eeva Maria Niemien
oo ka tirsan Agaasinka Socdaal iyo Magangalyo-siinta u qaabilsan Finland.
Waxaa kale oo ka mid ahaa waftigaas Fowsi Cabdi Muxumed oo ka tirsan Jaaliyadda
Somaliland ee ku nool
Guddoomiye ku xigeenka degmada Gebilay ayaa weftigaas ku qaabilay xafiiskiisa, isaga oo u soo jeediyay ereyo soo dhoweyn ah, ugana warramaya xaaladda guud ee Somaliland iyo tan degmada Gebilay, warbixinta ku xigeenka Duqa Gebilay kadib xubnaha weftiga reer Finland oo uu la socdo k/xigeenka Duqa Gebilay, waxaa indhahooda ku soo arkeen isbitaalkii degmada Gebilay oo burbursan oo aan dib loo dhisin iyo ardayda fasalada dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Muxumed Warsame – Gebilay oo ardayda dhigataa ay kor u dhaafeen 1700 oo arday, iskuulkaas oo ardayda qaarkood ayna haysan kuraasi oo ay fadhiyeen dhulka.
Fawsi Cabdi Muxumed oo ka tirsan jaaliyadda reer Somaliland
ee ku nool Finland ayaa maamulka degmada Gebilay warbixin ka siiyay ujeedadii
weftiga reer Finland oo ay muhiimadooda koowaad tahay hawlaha daryeelka carruurta
iyo xidhiidhinta dadka reer Somaliland ee ku nool Finland iyo Somaliland.
Jari Virtanen, ninka madaxda ka ah weftiga reer
Guddoomiyaha degmada Gebilay, Abiib Xasan Fil-Fil, ayaa kormeer ku tegay magaalooyinka iyo degaanada degmada Gebilay.
Sida uu Haatuf u sheegay hawlwadeen ka tirsan wasaaradda Beeraha ee degmada Gebilay, beeralayda degmadaas ayaa la filayaa sannadkan in ay midho fiicani uga soo go’aan beeraha ku yaal degmadaas. Is-beddelka qaabkii isu-socodka ganacsiga ee Itoobiya iyo Somaliland iyo ganacsiga jaadka oo hadda loo adeegsado keenistiisa Somaliland diyaarado ayaa saamayn ku yeelatay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee degmada Gebilay.
6 xubnood oo Alqaacida ah
anca (W.Wararka) – Wararka ka imanaya dalka
Sida la sheegay dadka dhintay waxaa ka mid ah Cali Qaa’id Al-Xaarisi oo la sheeagy in uu ilaaliye gaar ah u ahaa Usaama bin Laden, kana mid ahaa dadka aad loo doonayo.
Qaraxa gaadhigan oo ka dhacay mandaqadda Ma’rib oo
200 km dhinaca bari ka xigta caasimadda
Dawladda Maraykanka ayaa iyaduna ku hawlan dagaal ay kula jirto argagixisada, iyada oo ciidamo ku soo ururisay badda Cas iyo dalalka hareeraha ka xiga.
Xidhiidhka kubadda cagta ayaa u oggolaaday ciyaartoyga Roy Keane in uu ilaa Jimcaha ka qaadan karo ganaax dhan 150,000 oo giniga Ingiriiska ah iyo shan ciyaarood oo laga fadhiisiyay.
Xubnaha fulinta ee xidhiidhka kubadda cagta ee Ingiriiska ayaa cadaadis lagu saarayay dib u dhigista muddada uu ambiilka ku qaadan karo Roy Keane, kadib markii ay maamulka xidhiidhkaasi sheegeen in uu xukunkaasi bilaabanayo maalintii shalay, xubnaha u doodaya Keane ayaa ku dooday in ay haystaan waraaq taariikhdeeda ay soo baxday ahayd 25-kii bishii October ee hore, taas oo fursad siinaysa Keane ilaa 14 maalmood oo kale.
Is-maandhaaf ayaa ka soo baxay markii xidhiidhka kubadda cagtu (FA) uu sheegay in taariikhda ay arrintaasi ka bilaabanaysay ay tahay 15-kii October, maalintii uu dhegaysiga ugu horreeayy ee arrintana ka dhacay garoonka kubada cagta ee Reebok.
Waxaa xukunkan isugu jira ganaaxa ciyaar joojinta ah iyo kan lacageed loo dhiibay Keane kadib markii laga helay xusus-qor buug oo uu leeyahay in bishii April 2001 uu si kutalo-gal ah uu waxyeelo ugu geystay ciyaartoyga Alf-Inge Haaland.
Ganaaxan ciyaareed ee la saaray Roy Keane wuxuu keenayaa inuu ka fadhiyo ciyaaraha ay kooxdiisu la yeelanayso kooxaha Manchester City, West ham, Newcastle iyo Liverpool, waxaanu ciyaaraha ku soo noqonayaa 7-da bisha December ee soo socota ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto naadiga Arsenal. Maamulaha kooxda Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaa si xan ahaana looga soo xigtay in aanu Keane wax is hortaaga ku samayn doonin ganaaxa lagu xukumay.
Talyaaniga oo joojiyay heshiis
Xidhiidhka kubadda cagta ee Talyaaniga ayaa beeniyay warar sheegayay in Sven Goran Eriksson loo doonayo inuu noqdo tabobaraha qaran ee kooxda kubadda cagta ee Talyaaniga, kadib markii dadweynaha ciyaaraha jecel ee Talyaanigu ay codsadeen in la eryo tabobaraha xulka qaran ee kubadda cagta ee u safta dalka Talyaaniga, Giavoni Trappatoni. Ninka madaxda ka ah xidhiidhkaas Franco Carraro ayaa qoraal warqad ah u qoray guddoomiyaha xidhiidhka (FA) Geof Thompson, isaga oo u sheegay in diido wararka sheegaya in Eriksson u quud-daraynayo in uu ku beddelo Trappatoni.
Sheekada sheegaysa in uu Eriksson beddelayo Trappatonij waxay Talyaaniga soo xidheen kadib markii la baahiyay warar rasmiya oo sheegaya in hawsha tabobarenimo ee xulka kubadda cagta ee Talyaaniga uu hayn doono Giovani Trappatoni, ilaa bisha June ee sannadka 2004.
Af-hayeen u hadlay xidhiidhka guud ee kubadda cagta Talyaaniga (Figc), ayaa yidhi; “Ma aha siyaasadda ciyaaraha in aanu xidhiidh la samayno tabobare ku jira heshiis oo aanu dhammaan muddadii ee kooxda u heshiiska la galay u tabobarayay.”
Isaga oo hadalkiisa sii wada wuxuu yidhi af-hayeenkaasi; “Ma jiro qof ka tirsan xidhiidhka guud ee kubadda cagta Talyaaniga (FIGC) oo xidhiidh arrintaa kala sameeyay Eriksson.
Tabobare Trappatoni waxay canaani ku timid hawshiisa tabobarenimo, kadib markii ay kooxdiisa ka adkaatay kooxdii ka socotay Wales (UK), ciyaartii ka dhacday Cardiff ee is-reebreebka koobka horyaalada Yurub ee 2004. laakiin Trappatoni arrintaa wuxuu helay garab ka taageera oo la safta.
Tabobarihii hore ee kooxaha Juventus, Milan iyo Inter oo ah Giovani Trappatoni wuxuu sheegay in Franco Carraro oo ah madaxa xidhiidhka guud ee ciyaaraha kubadda cagta ee Talyaanigu uu ka codsaday inuu hawshiisa tabobarenimo ilaa inta ka hadhay ciyaaraha Yurub ee Euro 2004.
Maamulaha Manchester oo eryay qaar ka mid ah madaxda naadigiisa
Ninka xukuma naadiga Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaa eryay qaar ka mid ah maamulayaashii naadigaas ee dhinaca ciyaaraha horyaalnimada kooxaha kubadda cagta ee Ingiriiska.
Adem Crozier oo ka mid ahaa maamulayaasha Manchester United ayaa is-casilay, kadib markii uu iska giijiyay xidhiidhka ciyaaraha kubadda cagta (FA) ee Ingiriiska oo soo rogay maamul adag oo ay ciyaaraha ku maamulayaan.
Sir Alex Ferguson oo arintan ka hadlayaa wuxuu yidhi; “Naxdin iyo u qaadan waa igumay noqon is-casilaada Adem Crozier.” Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi Ferguson; “Waxaa na dul-jooga daruuro digniina, maamulayaashuna waxay doonayaan awoodo dheeraad ah, taas oo ah xaalad khar keenaysa.”
Sir Alex Ferguson, wuxuu doodiisan gar siiyay inuu xidhiidhka kubadda cagta (FA) ee Ingiriisku uu sax ku taagan yahay in uu kordhisto awoodihiisa hawl-qabad markuu arko in ay naadiyadiisu ay ku jiraan daymo, waxaanu leenahay la socosho qroaal oo joogto ah si uu naadiag Manchester United u ogaado dakhligiisa iyo daymaha lagu leeyahay.”
Mar kale, isaga oo Ferguson dhaliilayaasha qaar ka mid ah maamulayaasha naadiga Manchester wuxuu yidhi; “Waxaan garan la’ahay sida ay shaqsiyaadkani ku gaadheen inay qabtaan mas’uuliyadahan sare.”
Alex Ferguson wuxuu kaloo difaacay in saxaafaddu ay xaq u leedahay in ay wax ka qorto arimaha ka socda hay’adaha dhexdooda, iyo in arrintaasi ay ka tahay door lagama maarmaan ah ciyaaraha kubadda cagta ee Ingiriiska.
Xoghayaha guud ee UDUB oo sheegay inuu u taagan yahay madaxtimada
H |
argeysa (Haatuf): Xoghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u taagan yahay tartanka madaxweynenimada Somaliland ee la filayo mustaqbalka dhow, isaga oo cadeeyey inuu ka sharaxan yahay isla ururka UDUB, wuxuuna Cabdi Aw-Daahir badheedhaha caynkaas ah ka dhiibtay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.
Xoghayaha guud ee UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inuu go’aankan qaatay, ka dib markii uu la tashaday taageerayaashiisa, isaga oo dhinaca kalena sheegay inuu kalsooni ka haysto ururka dhexdiisa, sidoo kalena Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu madaxweyne Rayaale oo ah gudoomiyaha ururka UDUB, horena ugu dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jagada madaxweynenimada ugu baaqay inuu iskaga tanaasulo taa.
“Hadii aan xoghayaha guud ee ururka UDUB, waxaan u sheegayaa inaan isu soo taagayo musharaxnimada madaxweynenimada doorashada sannadka 2003”ayuu hadalkiisa ku bilaabay Cabdi Aw-Daahir, wuxuuna intaa raaciyey “Taas oo ay maanta haboon tahay inaan cadeeyo xisbiga UDUB hadii uu ku guulaysto inuu ka mid noqdo saddexda xisbi ee ku soo baxaya doorashada dawladaha hoose inaan iska soo sharaxi doono”, laakiin xoghayaha guud ee UDUB isaga oo if-tiiminaya sida uu ku yimi dhawaaqiisan cusubi wuxuu yidhi “Waxaan mawqifkayga ku dhawaaqidda qaatay ka dib markii aan la tashaday taageerayaashayda iyo dad badan oo reer Somaliland ah”. Hase yeeshee Cabdi Aw-Daahir waxa uu cadeeyey inaanu damacu hadda uun ku dhallan ee uu hore wax u maaganaa, wuxuuna yidhi “Aniga oo markii horeba ku talo jirey inaan isa soo sharaxo, ayaan maadaama hadda la dhiibay liisaskii musharaxiinta dawladaha hoose u arkay inay tahay waqti munaasib ah inaan ku dhawaaqo musharaxnimadayda”. Laakiin Cabdi Aw-Daahir intaa kuma joogsan ee waxa uu madaxweynaha iyo kuxigeenkiisaba (Rayaale & Axmed Yaasiin) ugu baaqay inay ka tanaasulaan doonistooda ah inay mar kale u kala sharaxan yihiin jagooyinka ay hadda kala hayaan, wuxuuna yidhi “Madaxweynaha iyo madaxweynekuxigeenka, iyadoo uu madaxweynuhu yahay gudoomiyaha ururka, isla markaana uu hore u sheegay inuu iska soo sharaxi doono ururka, waxaan rajaynayaa inay ka tanaasulaan, maadaama ay yihiin madaxweynihii iyo madaxweyne-kuxigeenkii dalka, horena marar badan loo yidhi waxbaa isku Milan waxaan u soo jeedinayaa inay anaga na dhisaan hadii aanu nahay xisbiga UDUB oo aanay madaxnimada ay hayaan ee ay nagu dhisaan ka mid ahaanshaha ay ka mid yihiin ururka UDUB”.
Madaxweyne Rayaale dhawr bilood ka hor ayuu ku dhawaaqay inay isaga iyo kuxigeenkiisa Axmed Yaasiin yihiin labada nin ee ururka u sharaxan, hadalkaas oo mudane Rayaale kaga dhawaaqay shir ay isugu yimaadeen ururka UDUB, xafiiskooda Hargeysa, waxay taa dad badan u qaateen inay tahay arin ka soo baxday urur-weynaha, lamina filayn inay jirto cid kale oo ka daba odhanaysaa, sidaa darteed xoghayaha guud, Dr. Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey halka uu arintaa ka marayo iyo inuu hadalka Rayaale ka soo yeedhay ahaa arin ururku u dhanyahay, wuxuu kaga jawaabay “Islama aanu ogayn isa soo sharaxidda, laakiin madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu xisbiga iska soo sharaxo, isla markaana hadii uu xisbigu ka mid noqdo saddexda xisbi ee soo baxa waxa la qaban doonaa shirka golaha dhexe, markaa madaxweynuhu musharax wuu noqon doonaa, aniguna waanigaa hadda ku dhawaaqay, qof kasta oo xisbiga ka mid ahna taasi way u banaan tahay, dabadeed waa la wada tashan doonaa, waxaanse anigu ku talinayaa inay iyagu (Madaxweynaha & kuxigeenkiisa) ka tanaasulaan oo ay siidhiwalayaal noo noqdaan oo ay anaga na daayaan, laakiin kolba ka soo baxa ayaa la dhisi doonaa”. Laakiin xoghayaha guud ee UDUB mar la waydiiyey bal inuu mawqifkiisan cusub kala tashaday madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka oo waydiistay inay ka tanaasulaan, wuxuuna yidhi “Maya taa uma sheegin ee waa mawqifkayga shakhsiga ah”.
Dhawaaqa musharaxnimo ee xoghayaha guud ee UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu badka yimi xili ay dadku aad u hadal hayaan inuu jiro khilaafaad siyaasiya oo ururka UDUB gudihiisa ah, sidaa awgeed Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey bal inuu dhawaaqiisani yahay mid ka dhashay khilaafka la hadal hayo iyo inkale, wuxuu yidhi “Maya ee maalintii aan ka tegey wasiirnimada doonistayda way ku jirtey inaan isa soo sharaxo, fekerkaana xataa waanu ku ballansanayn madaxweynihii geeriyooday”. Laakiin xoghayaha guud isaga oo ka jawaabaya khilaafka la sheegay wuxuu yidhi “Koleyba xisbiga gudihiisa dimoqraadiyad baa taal, xeerkuna wuu odhanayaa teeramka ugu dambeeya marka ay saddexda xisbi soo baxaan ee shirka golaha dhexe la qabto ayey musharaxiintu soo gudbisan doonaan liiskooda, ta kale aragtiyo kala duwan oo maamul oo hoose way iska jiri karaan, laakiin ma jiro khilaaf siyaasadeed”.
Xoghayaha guud ee UDUB mar la waydiiyey bal inta ay le’eg tahay rajada uu ka qabo inuu madaxweyne Rayaale dhiniciisa uga tanaasulo musharaxnimada iyo kalsoonida uu ka haysto ururka dhexdiisa wuxuu ku jawaabay “Xubnaha musharaxiinta golaha dhexe ayaa la hordhigayaa oo kala saarayaa, markaa waxaan haystaa kalsooni”.
Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey waxa uu uga jeedo soo jeedintiisa ah inay madaxweynaha iyo kuxigeeenkiisu ka tanaasulaan musharaxnimadooda wuxuu ku jawaabay “Horta taasi sharciyan ma aha, laakiin waxaan kula talinayaa sida wanaaggu yahay, waayo xisbiga iyo istaraatijiyadiisa waxa u wanaagsan inay xubno cusub oo aan madaxweynenimada dalka haynni iska soo sharaxaan, laakiin hadii ay ka tanaasuli waayaan xubnaha xisbiga ee isa soo sharaxay ayuun baa la beratansiinayaa, hadii ay iyagu ku soo baxaana waanu dhisaynaa”.
Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa kale oo la waydiiyey bal inay musharaxnimada uu ku dhawaaqay kabriidka ku qaban karto khilaafaadka ururka dhexdiisa ee laga dareenka qabo, taasina ay sababi karto inuu xisbigu kala jajabo, wuxuuse taa kaga jawaabay “Xisbigu waa dimoqraadi, sidaa darteed xisbigu waa inuu awood u yeesho, isla markaana noqdo mid u dul-qaad badan oo qaadi kara dimoqraadiyadda iyo loollanka gudihiisa, waana lagu beratamayaa xisbiga, waayo aniga oo keliya ma ahee cid kalena way odhan kartaa waan sharaxanahay, ta kale ma jirto cid burburinaysaa”.
“Hore waxaan u idhi madaxweynahan (Rayaale), macal madaxweynihii geeriyooday (Cigaal), xaq buu u leeyahay inuu iska soo sharaxo xisbiga UDUB gudihiisa, laakiin marna khasab kamaan dhigin”.
H |
argeysa (Haatuf): Ururada siyaasiga ah ee la kala yidhaahdo BIRSOL iyo HORMOOD ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay midoobeen, taas oo ay sheegeen inay isugu guureen hal urur oo ah HORMOOD, iyaga oo sheegay inay qaateen magacii iyo astaantii uu ururka HORMOOD hore u lahaa.
Gudoomiyayaashii labadaa urur, Axmed Sandoon iyo Maxamed X. Maxamuud ayaa shalay xaflad lagu qabtay hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inay labadooda urur midoobeen oo ay isku noqdeen hal urur oo keliya, waxaana munaasibadda lagaga dhawaaqay midowga labadaa urur ka soo qayb galay dad badan oo ka mid ah madaxda iyo taageerayaashooda iyo weliba martisharaf, laakiin dhinaca kalena waxa madashaa si weyn uga dhex-muuqday siyaasiga Cumar Carte Qaalib oo la aaminsan yahay inuu leeyahay farshaxanka sababay inay labadan urur isku shubtaan, iyadoo dhinaca kalena uu Cumar Carte hore ugu dhawaaqay inuu ka sharaxan yahay ururka BIRSOL intii aanu la bahoobin ururka HORMOOD.
Qoraal kooban oo ay gudoomiyayaashii labadaa urur ku cadaynayaan inay midoobeen ayey qayb-qaybiyeen, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa “Anaga oo ah labada urur siyaasi ee HORMOOD iyo BIRSOL waxaanu shirkan wada jirka ah ka cadaynaynaa inay midoobeen labadan urur, kuna midoobeen magaca HORMOOD, isla markaana ay qaateen astaanta iyo calanka ururka HORMOOD, isku dhafyada guddiyada labada urur iyo wixii hawlo farsamo ah waxa loo saari doonaa guddi si dhakhso u soo dhamaystira”ayey ku soo xidheen qoraalkooda, laakiin gudoomiyayaashii ururada midoobay, Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi iyo Axmed Sandoon Xasan ayaa munaasibadaa ka yidhi ereyo kooban oo ay ku tafsiirayaan ujeedada iyo sababta ay u midoobeen.
“Sida ku cad waraaqda aanu saxeexnay ee na hortaal waxaanu door bidnay in aanu midowno halkii aanu is barbar carari lahayn, labadii magac ee BIRSOL iyo HORMOOD markii aanu wax badan isla rogrognay waxaanu isla garanay inaanu qaadano magacii, calankii iyo astaantii HORMOOD qaadano, waxaana rajaynayaa inuu noqdo midow waara”,sidaa waxa yidhi Axmed Sandoon. Laakiin sidoo kale Maxamed X. Maxamuud ayaa isna weedho kooban ku tiraabay, wuxuuna yidhi “Guddiyadii fulinta ee labadan urur, Cumar Carte iyo guddidii ka soo shaqaysay inay labadan urur midoobaan aad baan ugu mahad celinayaa”, wuxuuna intaa ku daray “Anigu inbadan baan lahaa hala midoobo, cid kasta iyo urur walbana waan ku idhi, laakiin maanta farxad weyn bay ii tahay mar hadii uu Illaahay midhihii u horeeyey tan ka dhigay, iyadoo aanu cadaynayno labadii urur ee HORMOOD iyo BIRSOL inay isugu tageen oo isku noqdeen urur qudha oo ah HORMOOD, markaa anaga oo ah HORMOOD walaalahayo oo shalay ahaa BIRSOL, maanta kama lihin HORMOOD, illaahayna waxaan ka baryayaa inuu guusha ina gaadhsiiyo”.
Dhinaca kalena Cumar Carte Qaalib ayaa isna madashaa hadal kooban ka yidhi, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa labada gudoomiye ee labada urur ee midoobay, Axmed Sandoon iyo Maxamed X. Maxamuud iyo dadka kale ee arintaa kala soo shaqeeyey labada gudoomiye”, wuxuuna intaa ku daray “Sababta shirkan loo qabtayna waxa weeye ugu horayn inaad idinka iyo shacbiguba ogaataan, dadkana aanu qas gelin, markii horena xisbigu waxa uu ahaa BIRSOL/HORMOOD, laakiin guddiga doorashada ayaa yidhi magac qudha ayuun baanu ogolahay oo sharcigu ma ogola labada magac ee is huwan, dabadeedna magac qudha ayaa la qaatay, waayo ujeedada weyni ma aha magac ee waxaynu doonaynaa inaynu guulaysano iyo inaynu shacbigeena u adeegno oo dhulka ka qaadno oo aynu ummadaha adduunka gaadhsiino, mar hadii ay sidaa tahayna magac lagu murmaa waxba ma aha, dadkana sidaa ayaanu ogaysiinaynaa, waxaanuna leenahay maskaxdiina waxba yaanu qas gelin, labadii xisbi ee aad mid-ba meel ugu tegayseene maanta waa mid keliya, waana HORMOOD”.
Marka laga yimaado hawsha weli baaqiga ah ee isku dhafka hogaanka labada urur iyo weliba madaxda cusub ee uu yeelanayo ururka cusubi, waxa kale oo iyana jirta inay labada urur guddiga doorashooyinka hore ugu gudbiyeen laba liis oo musharaxiinta dawladaha hoose ah, sidaa darteed mar la waydiiyey sida ay qabyada caynkaas ka yeelayaan waxay kaga jawaabeen “Labada xisbi ee kala ahaa HORMOOD iyo BIRSOL waxay meelaha badidooda kala geeyeen laba liis oo kala jaad ah, laakiin meesha qudha ee hal liis wada geeyeen waxay ahayd Hargeysa, balse arintaa guddiyada diiwaangelinta ururada iyo doorashooyinka labadaba waanu ka wada hadalay, waxaanuna isla garanay meeshii aanu laba liis wada gaynay inaanu isku dhafno oo aanu mid qudha ka dhigno, sidoo kale hadii ay qolo meel liis geysay oo aanay qolada geyn liiskaa ayuun baa la qaadanayaa oo tusaale ahaan hadii ay BIRSOL meel geysay oo aanay HORMOOD geyn liiska BIRSOL ayuun baa la qaadanayaa, sidaa ayaanu yeelanaynaa, guddiga doorashooyinkuna waqti bay na siiyeen”.
X |
oghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ayaa shalay daboolka ka qaaday inuu u taagan yahay tartanka madaxweynenimada Somaliland, isaga oo sheegay inuu iska sharaxayo ururkiisa, laakiin arintaasi waxay dad badan ku noqotay lama filaan, waayo waxay dad badan la ahayd in cidda keliya ee ururka UDUB u sharaxani ay tahay madaxweyne Rayaale oo ah gudoomiyaha ururka, isaga oo goor hore ku dhawaaqay inuu taagan yahay. Sidaa awgeedna mar hadii uu mudane Rayaale ku dhawaaqay inuu isagu sharaxan yahay aanay cid kale ka daba odhan karin anna waan sharaxanahay, waayo maadaama uu ururka UDUB yahay urur ku tirsan awoodda dawladda, waxay dad badan ula muuqatay inaanu ninka dawladda ku hor kaaja mooyee aanu nin kale oo UDUB ahi u soo qooqi karin kursiga uu ku fadhiyo Daahir Rayaale. Hase yeeshee taasi way dhacday, waxayse meesha ku jira dhawr su’aalood.
Marka hore waxay iswaydiintu noqonaysaa dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir laba hal waa iyama, Inuu yahay nin indhuhu cas yihiin oo is yidhi baddana haka cabtee xabadda afka saar iyo inuu yahay nin meel wax og, sidaa darteed uu badheedhihiisu yahay mid garab iyo gaashaan og. Laakiin dhinac kale marka la eego waxay iswaydiintu tahay dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir laba arimood waa midkee: Inuu badheedhihiisu yahay waqal damac keenay iyo inuu dhawaaqiisu yahay mid dabada ku haya khilaafaadka la aaminsan yahay inuu hadda ka ooggan yahay gudaha ururka UDUB, sidaa darteed ay sheekadiisan cusubi tahay dagaal cumuruq iyo rag biyo hoostood iska haraatiyey iyagaa is og.
Cabdi Aw-Daahir mar ay weriyayaashu waydiiyeen inay sheekadiisu dabada ku hayso khilaafka ururkiisa ee la hadal hayo iyo inkale inkasta oo weedhiisa iyo dareenkiisaba wax ka urayeen , haddan carrabka kor buu uga qaadayey su’aasha khilaafka ururkiisa ku saabsan oo ay weriyayaasha laftoodu la daba galeen.
Sida iswaydiinteena u horaysay ku xusan hadii ay sheekada Ina Aw-Daahir tahay cadho soo kartay oo dabada ku haysa khilaafaadka iyo loollanka ururka gudihiisa ah, waxay markaa arintiisu u ekaanaysaa nin laga gol-roonaaday loollankii gudaha, ka dibna dagaal u badeedhay, laakiin hadii ay sidaa tahay waxay iswaydiintu noqonaysaa Cabdi Aw-Daahir hadii uu ka horyimi ninkii dawladda uu ururkiisu ku tiirsanaa ma noqon karaa nin sii tamariya, jawaabta iyo sida ay xaaladdu ku dambayso waynu ka war sugi, laakiin hadii aanay jirin cudud kale oo uu Cabdi Aw-Daahir meel ku ogyahay waxaynu odhan karaa taasi way ku adkaan doontaa. Hase yeeshee dhinaca kale hadii uu yahay nin ciidan iyo calaf-ba meel wax ku og, badheedhihiisuna uu taa salka ku hayo, bal taana waynu ka war sugi inta ay macaanshiinyo le’ekaato.
Ta kale hadii uu badheedhihiisu yahay mid damac keenay, taasina waxay ku haboon tahay nin hore u soo shaqaystay oo meel wax ku og, hadiisa ay noqoto laab-lac iyo hunguri wed ma arko way adag tahay sida uu sinbiriiraxasho uga samatabaxaa, hadiise uu yahay nin hore wax u soo tabcaday oo uu badheedhihiisu yahay mid aanu iska odhan ee wax dugsanaya, taana waynu ka war sugi bal inta ay tamariso. Sidoo kale hadii ay sheekadiisu tahay mid dabada ku haysa khilaafka iyo loollanka ururka gudihiisa ka jira oo dhawaaqiisu yahay xurguf dagaal, taasina hadii ay badheedhe dagaal tahay waxay iyana u baahanaysaa saad iyo ciidan, laakiin waxay iswaydiintu noqonaysaa Cabdi ma hayaa saad iyo ciidan uu ugu babac dhigo ninka aan isagu ciidan-ba meel ka doonayn ee uu saadkiisa iyo ciidankiisuba iska diyaarka yahay, kaas oo gudoomiyihiisa. Laakiin marka waxaas oo dhan laga yimaado waxa iyana dhici karta inuu dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir tabasho daarran yahay, sidaa darteed uu leeyahay hadii aanad I af-garran waad ogtahay inta aan ku yeeli karo.
Sida ay doonaan wax haw jireen, laakiin koleyba sheekada xoghayaha guud ee UDUB, Cabdi Aw-Daahir waxay atmosfeerka siyaasadda ku soo kordhisay ama ku soo kordhinaysaa faallooyin badan, taas oo ay dadka arimaha siyaasadda faaqidaa dur-ba qaarkood leeyihiin taasi waa xabbad ka dhex qaraxday ururka UDUB dhexdiisa, iyadoo la leeyahay Cabdi Aw-Daahir waxa uu ka cadhooday rag ay hore isugu seegeen arimaha UDUB oo uu madaxweyne Rayaale hoosta soo gashaday, ragas oo ay qaarkood yihiin ragga xukuumadda ku jira, UDUB-na ka tirsan iyo weliba rag kale oo banaanka ka soo kulaalay xarakaadka iyo loollanka ururka UDUB, kuwaas oo la leeyahay waxay gurrada ugu jiraan madaxweyne Rayaal, laakiin dadka qaarna waxay iswaydiinayaan tallow sheekadaasi saamayn intee le’eg bay ku yeelanaysaa sumcadda iyo itaalka ururka UDUB oo ay awel-ba ururada mucaaradku ulo booc ah ugu tukabayeen, dhinaca kalena waxay su’aasha meesha taal tahay hadii ay sheekada Cabdi Aw-Daahir tahay dagaal hortii hogaanka UDUB iyo ragga safka kale ku soo jiraa jawaab noocee ah ayey ka bixinayaan dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir. Laakiin jawaabta ay doonaan haka bixiyeene waxaan dur-ba dareenkeedu qarsoonayn sida ay rag badan oo ardaaga UDUB ahi dhegaha u taageen ama uga cadhoodeen hadalka Cabdi Aw-Daahir. “Sidee qaladka ahayd ee uu u maamulay liisaskii musharaxiinta ayuu ururku hadda ka fadhiisanayaa, taas ayuu ka sii hor degayaa ee wax kale ma aha”sidaa waxa ku tibaabay nin ka mid ah UDUB oo markii uu maqlay Cabdi Aw-Daahir wuu is sharaxay dareen cadho leh ka bixiyey. Laakiin sida ay doonto arintu ha ahaatee waxaynu ka war sugi doonaa sida ay xaqiiqda arimahaasi ku dambeeyaan iyo halka ay biyo dhigto sheekada Cabdi Aw-Daahir.
Taliye NO:19
D |
aballa iyo qaar kale ayaa janaraaladii wasaaradda difaaca ku shirayey u tegay oo waydiiyey waxa ay waydaan, waxayna ku soo yidhaahdeen “Ciidamada ayaa codsaday inuu isbedel yimaado, sidaa darteed waxaanu fulinaynaa waxa ay ciidamadu doonayaan”, laakiin waxa kale oo ay janaraaladu nimankii u tegay u soo sheegeen inay hadhow ku khasbanaan doonaan inay na xidhaan, sidoo kale waxay kale oo ay janaraaladu nimankii u tegay ku soo yidhaahdeen “Waa in taangiyada lagu hareereeyey xarunta wasaaradda gaashaan-dhigga laga qaado”. Sidaa awgeed nimankii aanu diray markii ay nagu soo noqdeen ee ay noo warameen waxa noo muuqatay inaan nimankaa wax laga qaban karin, dabadeedna waxaanu ugu horayn amaray inaanay diyaaradaha miigagga ahi duulimaadyo samayn karin hadii uu gabalku dhaco.
Waqtigaa waxa kale oo madaarka Adis-ababa ka soo degay ciidan ilaa 200 gaadhaya oo si degdeg ah looga soo qaaday Asmara, ciidankaas oo aan waxba kala socon waxa meesha ka jira, laakiin waxa ciidankaa soo diray mucaaradkii joogay Asmara, waxaana loogu talo galay inuu ciidankaa la wareego ninka la yidhaahdo Janaraal Qumalaashow Dajane si uu ugu hawl galo, dabadeedna janaraal Qumaalashow waxa uu ciidankaa kaga hor tegey madaarka oo uu ku soo dhoweeyey, hase yeeshee waxaan u malaynaa inay keenista ciidankaasi tahay sababta ugu weyn ee keentay inuu inqilaabkaasi fashilmo, waayo janaraal Qumalaashow waxa uu galay qaladkii ugu weynaa, taas oo uu qorshuhu ahaa inuu ciidamadaa siiyo amar cad ama uu isaga laftiisu inta uu amarka bixiyo weliba fulintiisana kala qayb geli lahaa ciidankaa ayuu ciidankii ku yidhi “Marka aad ku dhowaataan xarunta wasaaradda difaaca ayaanu idin siin doono amarka aad ku hawl gelaysaan”, laakiin may ahayn inuu sidaa yeelo, waayo hadii uu bolawgii ciidanka amar cad siin lahaa waxyaabo badan ayey qaban lahaayeen. Hase yeeshee nasiib daro ciidankaasi iyaga oo weli sidii hubkii tuurta ugu sita oo aan soo gaadhin xarunta wasaaradda gaadhaan-dhigga, balse u soo jira ilaa dhawr boqol oo KM., isla markaana socod ku maraya wadada labada haad leh ee u dhexaysa Ethiopian Huteel iyo xarunta wasaaradda gaashaan-dhigga ayey la kulmeen Mangistu Gamaju, dabadeedna wuu yaabay, wuxuuna garranwaayey cidda soo amartay ciidankan aadka u hubaysan, balse markii uu waydiiyey halka ay ka yimaadeen waxay u sheegeen in laga soo diray Asmara oo lagu yidhi marka aad xarunta wasaaradda gaashaan-dhigga gaadhaan war-bixin noo soo dira, dabadeedna Mangistu Gamaju wuu fahmay sheekada, ka dibna waxa uu ciidankii ku yidhi “Waa sax oo waa si wanaagsane waxaad yeeshaan si dhakhso ah u taga guriga madaxtooyada”. Askartii masaakiinta ahayd oo aan wax shaki ahi ku jirin inta ay qaateen amarkii Gamaju ayey madaxtooyadii qabteen, kana leexdeen wasaaraddii gaashaan-dhigga ee loo soo diray, sidaa darteed markii ay madaxtooyadii tageen ayey warbixintii ku direen inay madaxtooyadii tageen iyo cidda ku amartay inay tagaan.
Halkaa markii ay maraysay ayaan waraystay bal in gacanta lagau dhigay Raadyowgii iyo telefishinkii Adis-ababa, dabadeedna markii aan ogaaday inaan weli gacanta lagu dhigin ayaan markiiba u diray ciidan ilaaliya, waa yaab janaraaladii dhamaa ee inqilaabka waday xataa kama ay fekerin inay sida aan yeelaan oo ay ugu horayn gacanta ku dhigaam Raadyowga iyo Telefishinka, laakiin waxay ahayd arin la yaanahay waayo xataa ilmo yarina ma samayn kareen qaladka intaa le’eg ee ay sameeyeen janaraaladii inqilaabka dhigayey, laakiin inqilaabkaasi waxa uu ahaa mid isaga oo aan bilaabmin fashilmay.
Arintu sida ay doonto ha ahaatee aniga, Fiqra Salaase, Adise iyo niman kale oo saraakiil ah waxaanu qaybsanay hawshii meesha taalay, waxaanuna ku dhaqaaqnay talaabooyinkii loo baahnaa ee aanu xaaladda ku waajahaynay, waxaase naloo sheegay inay soo socdaan ciidamo fadhiyey meesha la yidhaahdo Doolay, kuwaas oo doonayey inay xoojiyaan ciidamada dhulka, laakiin Lagase iyo Aragga Barogaandhi iyaga oo ciidamo sii wada ayaanu aniga iyo qaar kale oo saraakiil ahi garoonka diyaaradaha ee ku yaal Dabrasayt taangiyo gaynay si aanay diyaarado uga soo degin, laakiin waxaan la yaabay taliye-xigeenkii ciidanka cirka oo aan la soo hadlay oo igu yidhi “Taliyahaygu amarka uu I siiyo ayaan sugayaan”.
Mingistu Hayle Maryam maalintaa inuu xataa inyar dib u dhaco wuu isku kari waayey, sidaa darteed sidii uu lixdii fiidnimo u tegay ayuu maalin labaadii goor subax ah soo laabtay, waxaaser naloo sheegay inuu amar ah in miig lagu duqeeyo diyaaradda uu saaran yahay Mingistu.
Maalintaa marka aan xusuusto sida ay ragga qaarkood xaaladoodu ahayd waan qoslaa, tusaale ahaan Lagase Asfaw waxa uu ka werwersanaa in hadii uu mucaaradku ay dalka qaybsadaan uu isagu noqonayo ninka ugu horeeya ee ay dilayaan, sidoo kale ninka la yidhaahdo Shawaan Daayan Balade wuu baxsaday oo maalintaas cid aragtay ma jirto, wuxuuse soo baxay oo la arkay 10:00 habeenimo, waxaana la ii sheegay inuu xafiis dusha iskaga xidhay oo uu maalintii oo dhan hoos fadhiyey.
Janaraalada inqilaabka waday waxay kala liisteeyeen ragayagii ka maqnaa, iyaga oo u kala saaray ragga ay dilayaan iyo ragga ay xidhayaan, laakiin aniga iyo rag kale oo uu ka mid yahay Tadla magacyadayadu kuma ay jirin liiska ay qoreen, iyadoo liiska ay magacyadu ku qoranyihiin waraaq laga helay jeebka sare ee Janaraal Abara Ababe markii la dilay, waxaase naloo sheegay inuu Mingistu Hayle Maryam ka cadhooday markii uu arkay inaanay aniga iyo rag kale magacyadoodu ku jirin ragga ay janaraalada inqilaabku liisteeyeen.
Run ahaantii intayada badani waanu doonaynay inuu isbedel yimaado, laakiin dhibaatada jirtey waxay ahayd xidhiidhka noo dhexeeyey anaga iyo ciidamada kale, kaas oo ahaa mid aad u jilicsan, waayo ciidamada dhammaantood waxa wada haystay Mingistu, taana waxa u markhaati ah markii uu xukunka ka tegay dhammaantood way wada firxadeeen.
Nimankii inqilaabkaa ka dambeeyey waxay galeen khaladaad badan, waxayna ila tahay in hadii la doonayo in dunida saddexaad taas oo kale laga sameeyo inay u baahan tahay shakhsi leh go’aan aan naxariis lahayn, tusaale ahaan qof Mingistu oo kale ah may ahayn in lagula dhaqmo naxariis aadaminimo, waayo lama oga qof uu isagu weligii saamaxay.
Qaladka kale ee ay nimankaasi galeen waxa uu ahaa diyaar garow xumo, waayo xataa hadii uu inqilaabku u suurtageli waayo kama ay sii fekerin oo may sii diyaarsan wax ay isku difaacaan oo ay dembiga kaga baxsadaan, iyadoo ay xaaladaas oo kale tahay xaalad khatar ah oo hadii uu qalad yari yimaado uu qorshahaagii oo dhami ka kac noqonayo..La soco cadadka dambe……………………….
H |
alkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegaystaan mawjadaha taag taagan ee kaftan aqoonka ah iyo kuwa ka yara gaagaaban ee ilaaq yahanka ah.
Dhegaystayaashayada dhakada amranow waxaynu soo gaadhnay amintii aanu idinka dibirin jirey warkii dunida oo kankoonsan, waxaana maalinkan maanta ah idin xuluulin doona weriye Mr.Qulaanqulshe ina Fatata.
Dalka Maraykaanka ayaa la sheegay inuu kabo u tolay Markab buurnaantiisa laga fajacay, markabkaas oo la sheegay inuu Maraykaanku doonayo inuu u soo hayaamiyo xagaa iyo qadaadka Afrika.
Amuurtaas waxa dhuxusha ka cadeeyey gaal gaalo laga soo gooyey oo Maraykaanka u hadlay dharaar dhowayd, hadii eebe idmahayooy Markabkan kabta loo iliyey waxa kale oo loo heenseeyey warran-galka dagaalka ee uu Maraykaanku ku waashay ee uu ula baxay “Dirirta fejecisada”.
Markabkan oo laga soo gurguriyey saldhig ay leedahay xarunta la yidhaahdo Bidhikaanka, xaruntaas oo ah meesha ugu weyn ee ay joogaan basaasiinta uu Maraykaanku xanta iyo xuuraanka ku qarsado, meeshaas oo ay ku yaaliin bakhaaro waaweyni oo run iyo been-ba laga buuxiyey.
Xaruntan oo waayadii uu Maraykaanku miyirka qabay aan soc-socodka aqoonin ayaa la sheegay inay hadeer socod baratay, taas oo geedi cusub oo hayaan ah caynka hoosta laga soo geliyey, loona malaynayo in dhowaan lagu soo furi doono guryo cosob ah oo ku yaal afmeerka dhafoorka Afrika, halkaas oo aan u maleeyey inaanay wax nacfi leh ka durugsanayn idhanka uu ku yaalo Raadyow ma qaloocshe, taas oo aan ka baqe qabo inuu wararka iga didiyo, laakiin waxaan iskaga rebi doonaa kaarta nin weyn.
Markabkan oo buurnaantiisa laga cawdi bilaystay, taas oo ay habar soo aragtay amakaag u dhimatay, waxaana la sheegay inuu leeyahay huudhiyo ciidaa iyo camaarigaa ka badan oo waashmaano ka ah.
Markabkan oo aan u maleeyey in geed quwaax laga soo qoray waxa igu maqaalo ah inuu ganaca ku sito sawaariikhda af-yaqaanka ah ee wadamada isaga kudaala.
Markabkani waxa uu leeyahay duud-dheer oo ay diyaaraduhu ku dul boodalaystaan, sidoo kale waxa uu miskaha ku leeyahay maqsino diyaaraduhu seexdaan iyo masaasado ay wax ku jaqaan.
Shuqulada kale ee markabkan laga soo sheegay waxa ka mid ah dheg dheer oo awood u leh inay maqasho sanqadha badeecadaha lagu cabayo xaafadaha Carbeed, waxa kale oo laga yaaba inay dhegtaasi maqasho khuurada madaxweynaha Ciraaq. Sidoo kale indhaha markabkan ayaa la sheegay inay arki karaan qudhaanjada dhagax yar oo buur ku yaal, waxa kale oo la soo weriyey inuu markabkaa sankiisu urin karo siniinta wixii hub ah ee lagu samaynayo Qaaradda Eeshiya iyo wadamada Carbeed.
Markabkan oo ay shuquladiisu ciidaa iyo camaarkaa ka badan yihiin ayaa askarta dushiisa ku nool lagu qiyaasay inay ka badan yihiin beel ka mid ah beelaha Somaliland., waxaana qaradka markabkaa soo jirabay lagu sheegay khaawisaad argagixiso caymad ah iyo raacdo reeb ku wajahan hujuunka loogu yeedho Didal Ciraaq, hujuunkaas oo la damacsan yahay in dhowaan lagu hinjiyo.
Dalka Maraykaanka oo uu indhowaale faalku kaga lixgaxnaa geeska Afrika ayaa askar khamriyo cab u badan keensaday badda Jabuuti.
Maraykaanka oo markab kale hore u fadhiisiyey af-bakistaan agteeda ayey rag shuqulada askarta aad u yaqaan sheegayaan inuu shuqulkani yahay qorshaha waalida cas ee barnaamijka xuurtada dunida ee uu inan rag qaarkii maagan yahay, iyadoo uu Maraykaanku hadeer dadka ku qaado xeerka layskama kacaanka ee ay ciyaaladii hore lahaan jireen.
Calool-buur u taliya Yuhuudda oo la yidhaahdo Aariyal shardoon ayaa maalinkan maanta ah jacaylka loo hayo loo cabiri doonaa, ka dib markii ay qayb dawladiisa ka mid ahi khajilaad uga baxday.
Ninkaa Shardoon oo laga yaabay waxa uu samaynayo intii uu xilka hayey shaqada ugu badan ee uu qaban jirey waxay ahayd mashruuca loo yaqaan, Kaare dhagax ku difaac, laakiin waxa ku soo kordhay taa shir isku qarxin iyo aakhiro ina keenta ay intifaadada Falastiin la soo baxday waayadan.
Yuhuudda iyo falastiin ayaa ilaa berigii aan ilka dhacsaday isku dhagax-tuurayey wadada bariga dhexe, kuwaas oo aan anigu maleeyey sidii ciyaalkii Burco oo nin waallan helay.
Urur-weynaha Kabaale ayuu xoghayihiisa guud kala dhex-goojiyey musharaxnimo madaxweyne doon ah, taas oo uu ururkiisu doonayo inuu ka dhex-baadhbaadho doorashooyinka xagaaga dhow la maagan yahay.
Amuurtan oo arooryadii shalay shaadhka laga siibay ayuu ninkani si dhiirani leh dhayda uga cadeeyey, ka dib markii uu arkay xeerka kabaale, qoddonkiisa qotinle, xarafkiisa hangool ee soo baxay qablal marxuum.
Xoghayaha kabaale markuu lafihiisa tijaabiyey, markuu dhiiranadiisa la tashaday, markuu degdeg la arinsaday, markuu arkay damaaci soo af-yeeshay, markuu xaqiiqsaday waxa lala maaganyahay, markuu is yidhi yaan lagaaga dheerayn, markuu shaki la’aan is qanciyey wuxuu ka wadi waayey inuu itaalkiisa iyo aragiisa ku calaf doonto.
Ururkan oo dabada kula jira muska dawladda ayaa ah mid aad uga baqdaan ururada kale ee debed jooga ahi, laakiin ururka Kabaale indhowaale waxay xaawaleydu ku xamanaysay inay bacda iyo khaakhaayiraaddu dhexdooda ku badatay oo ay arintoodu yara qasan tahay, taas oo keentay inay Ud-buhu isku dhacaan oo ay faraaradoodu isa sudhmaan.
Ismagacaabistan xoghayaha Kabaale oo ay Ud-baha qaar ku tilmaameen is maqiiqis aan geedna loogu soo gabban ayaa looga baqe qabaa in musharaxnimo daayo xoghayenimada lagagag xanaaqo.
Madaxyuubka iyo ka sii yar waxa uu xoghayuhu si xayraanimo leh ugu yidhi “Kabaalka iyo dawladda isku heli maysaan idinna halkiina jooga anagana Kabaalka noo daaya aan ku ciyaarnaa”.
Amuurtan oo ay dadka wararka farafareeya qaarkood ku tilmaameen inqilaab ciyaal ah oo ururka ka dhacay, taas oo markii ay ururada kale maqleen ay murqaan ka dhergeen.
Akhyaartayada aqalada hoostooda naga soo eegayow maanta aniga oo gabaygii soo jiidaya ayaa heesaad lagu sheegay odaygii ma qaloocshe soo weerartay, isaguna intii itaalkiisa ah wuu iska rabey.
Habartan oo magaceeda la yidhaahdo Sareedo af-dheer waxay ka soo ciyaar guday sariibadda Burco, waxayna tidhi:
“Raadyow qaloocow qays baad is moodoo, waad qaxar badnaatee caawaba xagaad qaban.
Qawsaarad dumariyo oday quusisaan ahay, ninkii aan qaniinana sidii gaws qadhiidh galay qarmacdaan burburiyaa.
Qaradkayguna caawana qal-qaloocshe odayow, maadigaa habraha yidhi golayaasha qarankiyo ma geyaan wasiirada.
Ururada siyaasiga intikhaabka jira iyo, asaxaabta yaa yidhi Asli madax ha siinina.
Odayow gadhooska li waad iga gadhweyntee, garaad miyaad I dheertay.
Waan kaa xishoodee miyaad xoog na dheertiin.
Waad iga cod weyntee, cilmi miyaad I dheertahay.
Car bal keena xoog weyn, waaba lays xariifshee.
Hadii aanan xaawaley shirka xadhiga soo xidhin, xaawa faadumeed qaban.
Xalwad iyo xabaasuud xagliyihi timaha marin, ururada haweenkiyo, NGO’yadaydii.
Carmalkiyo gashaantida, caasha qushidaydiyo, caanaleyda oo dhami intay ciirta saydhaan.
Hablihiyo wadaadada hayga baqanta daadshaan, hadaanaan ku weerarin”.
Intaa markii ay habartii soo ridatay ayuu ma qaloocshena is boox-booxay oo Asli ugu jawaabay.
“Waar hayaay bal kaalaya ibtiladan hadaaftee, hunbuslaysay daawada.
Hadda ima taqaanee hoostay iga gelaysaa, Walaahay inaan hangool sudhi.
Ku dal-dali haraatiyo hurdub digada kaga dhigi, sidii haylo meel yaal.
Hidh intaan la beegsado Hungufkiyo hangaralaha, kaga hudin islaantaa.
Hoogayeyda laga bixi, habruu laayey lay odhan.
Habaryahay maqiiqani habar caano laad tahay, qoosh baad walaaqdaa.
Qas-qastaa walaaqdaa maad qaran u talin kara, yaa quraacihii dubi kuu leefi subagii.
*******************************
Qaladkaaga naayaa golayaasha qarankee, qoodhu meel ka waydaad adigoo mal-khabad xidhan qoolaaliyeysaa.
Waad geli isleedahay, geelayaga inaad shaf saartaan, shaarubaha adgelisaan shuqulada rag leeyahay.
Kuu sheegayaa maqal shafka dhogor ku taaliyo, shaarub weyn ma leediin.
Shaash kubabka buuxshiyo, gadh shushuban ma leediin.
Hubka shiishka wacaniyo, shan la dhaca ma leediin, shallaadada ma leediin.
Asliyeey aqoonlaay isa soo maqiiqaay, Ambataye haloowdaay intaa waad yar dhaantee.
Maanta waxaad akhriyaysee, igu kaa sallidayaa ma asaasaqii baa.
Intuu oofka kaa galay, kuugu wacan iswaalkow kugu yidhi wasiir noqo. Baarlamaanna soo qoro, madaxweyne waad heli kugu yidhi islaanyahay”.
E |
ldoret (W. Wararka) Shirka kooxaha Soomaaliya uga socda magaalada Eldoret ee dalka Kenya ayaa la sheegay inuu gudagalay wejigiisa labaad maalintii shalay taasoo lagaga wada hadli doono sidii loo cayimi lahaa gudiyo kala duwan oo soo diyaariya arrimo loo kala xilsaaray.
Gudiyadaasina waxa la sheegay inay kala yihiin gudi soo diyaarinaysa dastuur lagu tilmaamay inuu yahay Federaali, Gudi ka baaraandegeysa arrimaha hubka ka dhigista, gudi qaabilsan hantida iyo dhulka la kala haysto, iyo qaar kale oo kala qaabilsan daraasadaynta arrimaha dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo mid qaabilsan xidhiidhka dibadda kuwaasoo la sheegay inay arrimaha loo kala xilsaaray soo diyaarin doonaan balse maadaama aan weli la sheegin in gudiyadaa la cayimay inta ay tiradoodu noqonayso ma cada sida loogu heshiin doono xubnaha gudiyadaa.
Shirkaa oo markii hore loogu talo galay in qaybtiisa labaad la bilaabo muddo ka dib marka uu xidhmo qaybta hore oo la soo gabgabeeyay waxa la sheegay in haatan la gartay inaan lagu kala kicin ilaa la soo gabgabeeyo shirka oo ay kooxuhu ku taamayaan in ay dawlad ku dhisaan.
Marka laga gudbo wejigan labaad waxa la sheegay in loo gudbi doono wajiga saddexaad oo ah ka ugu dambeeya ee gabgabada ah.
Balse waxa ay sheegayaan wararka ka imanayaa Eldoret shirka waxa haysta caqabadii ahayd tirada dadka ka qayb galaya shirka oo la sheegay inay xad dhaaftahay iyadoo halkii uu qorshuhu ka ahaa inay shirka ka qayb qaataan dad ay tiradoodu tahay saddex boqol oo qof oo ay haatan joogaan 800 kuwada sugan goobta shirka caqabadan oo ahayd mid taagnayd ilaa bilowgii shirka waxa lagu soo waramay inaan ilaa hadda xal loo helin, iyadoo ay gudiga qaban qaabada IGAD ku hawlan yihiin in tirada la dhimo oo lagu soo koobo saddexda boqol ee la qorsheeyay wajigan labaad ee shirku waxa uu bilaabmay iyadoo ay qaban qaabiyayaasha shirka ay soo waajahday mushkilad dhinaca dhaqaalaha ahi taasoo keentay in ay qarbo qarbo galaan hawlaha isku dubaridka arrimaha shirka. Wali daboolka lagama qaadin halka ay ka timid mushkilada dhaqaale iyadoo ay hore u jireen balanqaadyo dhaqaale oo ay bixiyeen ururo iyo dalal dhawra ahi kaasoo ah inay xaga dhaqaalaha ka caawin doonaan inta uu shirku socdo.
Anigoo ah muwaadin reer Somaliland ah, saddex iyo sideetan jir ah, waxaan doonayaa inaan ka warbixiyo midowgii labada qaybood ee Soomaaliya. Aan ku bilaabow dokemntiyadi waxa dhulka la odhan jiray Waqooyiga Soomaaliya yimid Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan cade), waxana wakhtigaas waraystay wargeys la odhan jiray Al-Liwaa oo uu madax ka ahaa Axmed Yuusuf Ducaale oo ah Wasiirka maanta Somaliland u qaabilsan Waxbarashada. Wargeyska wuxuu Aadan Cadde weydiiyay su’aal ahayd sideed u aragtaa israaca labada gobol? Wuxuuna ugu jawaabay waxa ku talin lahaa in imika la kala joogo, taasi oo uga jeeday iyagoo aan isku dhigmin xagga aqoonta iyo maamulka dawladnimo, oo uu waqooyigu ka sareeyay, tan labaad markii Aadan Cadde ku noqday Xamar wuxuu Aadan Cadde beeniyay warkii uu jaraa’idka u sheegay, oo uu ku sheegay inay u shaqeeyaan Xayle salaase oo Itoobiya xukumayay. Tan saddexaad midowgii labada gobol Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa Xamar ka degey isagoo hayay maxmiyadii Ingiriiska ee Waqooyiga waxa la waayay, cid ku soo dhaweysa madaarkii, Xamar, tagaa sidii madaarkana waa laga eryay, iyadoo isla wakhtigaana dawladiina lagu qaybsanayay Hoteel ku yaalay Afgooye, oo aan lagu tashan xukuumada Waqooyiga ka timid. Waa tan afraade, dastuurkii loo codeeyay kow iyo lixdankii qaabkii loo codeeyay oo ahaa mid ku dhisnaa xaraan iyo ku shubasho, tuulo yar oo kutaal deegaanka walaweyn, oo aan ka weynayn tuulada gorayo cawl, ayay warsidihii Soomaaliya ee wakhtigaasi ku sheegay inay ka codeeyeen dad gaadhaya boqol kun oo qof. Dhinacii Waqooyiga codbixintii ilaa laga bilaabo tuulada wiil ku dhalay ilaa lawyacado waxay ku sheegeen sideetan kun oo qof dadkaa oo la sheegay inay codkooda ku ridayeen sanduuqa madaw iyo sanduuqa cad wiil ku dhalay waxay ku taallaa deegaanka Laas-caanood. Doorasho xalal ah may ahayn ee way ku shubteen, arrintaana waxa xaqiijinaya aniga iyo raggii waagaa oo wax ka nool yihiin caddaynaya inaan reer woqooyigu u codeynin dastuurkii kow iyo lixdankii. Ragga nool waxa ka mid ah Aadan Gabyaw oo dastuurka sameeyay, C/Risaaq X. Xuseen, oo ahaa wasiirkii daakhiliga, iyo Aadan cadde oo ahaa Madaxweyne. Waa ta shanaade, iyadoo xaalku sidaa yahay ayaa haddana xukuumaddaa rayidka ahayd waxay woqooyiga u soo diri jirtay, ninka ay dhaqaalanayso tii ka dambaysay ee milatariga ahaydna waxay u soo diri jirtay kuwa dhiigga u haraadan. C/Qaasim wakhtigaas wuxuu ahaa inan yar, waxanan xusuusinayaa in xornimada NFD ay lumiyeen madaxdii wakhtigaasi, ee koonfurtu iyadoo Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal uu xoreeyay Koonfurta markii ay Rooma ku shireen ugu dambayn waxan leeyahay “hoobay hana haybsan niman helaa ma haboonee”.
Axmed Rooble Faarax. Boorama
Anagoo ah odayaasha baabuurta ka baxda istaanka galbeedka oo loo yaqaan Suuqal Gebilay, baabuurtaas oo ka kooban gawaadhida u baxda xarshin ilaa Boorama, ayaa waxaa dhacday in dhawr maalmood horteed uu noogu yimid istaanka masuul sare oo D/Hoose ee Hargeysa ah waxaanu nagu yidhi istaanka ayaan nadiifinayaa ka baxa ee dhinac u joogsada. Markii la nadiifiyay ayaan ku barraarugnay basas meeshii la keeni markii aanu weydiinay waxa uu nagu yidhi idinku waxaad tagaysaan xerada caanalayda ee u dhaw iskuulka Sh. Baraawe.
Waxa uu noo raaciyay caga juglayn iyo xadhig markii aan tagnay halkii uu sheegayay waxa cadaatay in aanay noqon karaynin halkaas istaan sababaha soo socda awgeed.
Waxa halkaas ah iskuulka Sh. Baraawe iyo Sh. Bashiir, waxaana isku gooya laba dariiq oo diiq ah
Gawaadhida ka bixi jiray istaanka galbeedka gawaadhi saddex boqol iyo lixdan ah maalintii oo u kala baxa Gebilay, Boorama, Wajaale, Wado Makaahiil, Faraweyne, iyo daabiyadaha galbeedka oo dhan, waxaanu dadweynahu arkayay maalmaha dambe gawaadhi tuman xerada caanalayda, Sh. Baraawe, Sh. Bashiir, oo la si xanibmay gawaadhidii dariiqa socotay kuwii la kireynayay iyo ardaydii oo Ciidanka taraafikadu ay ku dawakheen hagistooda, dariiqadan oo aad marka hore cidhiidhi ahaa ayna isla daba joog u ah maraan basaska dadweynaha ee ka kala yimaada Idaacada, Xero Awr isla markaasina ay noqotay bad xidhan lays daba joogo sida Togdheer ilaa Daallo Airline.
Arrintan oo dhibaato iyo shilalba soo kordhisay ayaanu u aragnaa ciqaab ay noogu tala gashay dawladda hoose ee Hargeysa anagoo garanweynay waxa istaankan galbeedka lagu arkay oo istaamada kale ka saaray, dawladda hoose ma faalkaa u qabtay, maanu garan wali waxa looga jeedo? Awrku xamilkii wuu qaadaa laakiin xadhig qaloocan ma qaado, arrintaana nama qabato.
Axmed Cabdilaahi Xareed, Muxumed Warsame, Axmed Bulaale
Waxaan aad iyo aad ula yaabay arrin aan anigu aad ula yaabay una baahan in wax laga qabto aniguna aan u arko masiibo qaran.
Bal u fiirso waa daadis, waa wax hawada lagu daadinayo oo aan layskula yaabayn.
Bal u fiirso.
Hudheelada magaalada Boorama dhamaantood ma laha bulaacad, markay qadadu dhamaato ayaa biyihii weelka lagu maydhay iyo faraxalkii oo madoobaaday lagu daadinayaa hudheelada hortooda, waa yaab iyo amakaag, mid ka mid ah kuwan hudheelada leh ayaa soo baxay maalin inankii biyaha qudhmay daadinayay ayuu canaantay, waxa isweydiin leh muu odhan maxaad shubtay ee wuxuu ku canaantay biyaha ku shub meelaha qalalan oo biyaha firdhi.
Maqaaxiyaha iyo bushushka waxa laga cuno waa la mid.
Dhammaan doobiilayaasha mid qudhi bulaacad maleh, iyana way daadinayaan.
Dukaamada oo dhan intay gudaha soo xaadhaan ayay laamida ku daadinayaan.
Dhammaan dameeraha magaalada joogaa malaha kiish qabta ee waxay kuwada sii daayaan magaalada dhexdeeda.
Dhammaan shaqadaas oo dhan waxaa leh d/hoose haddii Ilaahay garansiiyo.
Waxan ku soo gebagebaynayaa waar hala inoo bixiyo kuwii wax uun daadinayay!
Xuseen Cali Cabdilaahi Boorama.
Analina (Dhakhtarad Talyaani Ah Oo Hawl Gasha Boorama) Maxaa Muranka Galiyay Hawsheeda Samafal?
Warbixin (tifaftiraha Haatuf Cumar Daahir Cumar)
B |
oorama (Haatuf): Analina waa haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga oo mudaba ka waday hawlo samafal oo dhinaca caafimaadka, waxbarashada, iyo gargaarka ka waday xarun ay ka samaysay magaalada Boorama.
Anila bilowgii waxay hawsheeda samafal ku bilowday daaweynta cudurka TB-da oo ay bukaanka qaba cudurka ee yimaada xarunteeda Boorama ay ugu deeqday dawo raashin, waxtarka xarunta daaweynta TB-da ee ay Analina ka samaysay Boorama ayaa soo jiitay bukaan socod ka yimid magaalooyinka kale ee Somaliland, Jabuuti, Itoobiya, iyo Soomaaliya oo daaweyn u yimid Boorama.
Hawlaha samafal ee ay fulisay Analina waxaa kaloo ka mid ah xarun wax lagu baro dhagoolayaasha, oo ay ka furtay Boorama, xaruntaas oo ah kaalmo dhamaystiran oo lagu siiyo ardayda wax ka barata qalabka Waxbarashada raashin, iyo iyadoo ay wax ku bartaan lacag la’aan.
Haddaba dabayaaqadii todobaadkii tagay iyo horaantii todobaadka waxaa ka aloosmay magaalada Boorama muran la xidhiidha hawsha samaf ee ay wado analina, murankaas oo dadka reer Boorama ay ku kala aragti duwanaayeen wuxuu isugu biyo shubanayaa laba doodood oo kala ah analina waxay qabatay ee ay gacanta ku hayso la’aanteedna aanay soconayn iyo dhinaca kale oo leh “hawsheedu waxay khatar ku tahay noloshayada ee waa in lanaga kaxeeyo” oday ka mid ah odayaasha Boorama oo ka hadlayay hawsha samafal ee analina ayaa yidhi “waxay wax bartaa oo ay ka bixisaa qalabka Waxbarashada iyo raashinba dhawr boqol oo arday ah, waxay daaweysaa oo ay quudisaa dhawr boqol oo kale, waxay shaqo siisay ilaa 60 qof iyo 12 macalin, waa wax tar weyn, ee cida wax sheegaysaa ha na taabsiiyaan eedaymahooda oo ha cadeeyaan” anagu hadaan nahay danyarta aad bay analina noo gacan qabtay, markaa cidii ladan ee iska bixin karta kharashka Waxbarashada ha naga daayaan hagar daamadooda.
Haweenay ka mid ah dadka ku nool magaalada Boorama ee diidan hawshaa analina ka wado Boorama ayaa iyaduna ku dooday oo tidhi “ ma yeelayno in Boorama lagu soo qaato mashruuc aydhiska ah, oo lagu soo ururiyo dad aan u dhalan oo cudurkaas qaba”.
Marka dib loo raaco sababaha dhaliyay in ay muran gasho hawlaha samafalka ee ay analina ka wado magaalada Boorama waxaa ugu wayn waraysiyo laga qaaday dad bukaan ah oo qaba cudurka AIDS-ka oo ay waraysiyo ka qaadeen hawlwadeenada ka hawl gala barnaamijyo ka baxa BBC-da kuwaas oo qiranaya cudurka AIDS-ka tilmaamayana inay joogaan magaalada Boorama, maadaama ay cudurka Aydhiska iyo TB-du ay xidhiidh leeyihiin waxaa daaweyntii cudurka TB-da ee analina soo dhexgalay bukaan qaba cudurka Aydhiska, waxay xusayaan dadka reer Boorama qaarkood oo arrintan k a waramayay in dad aan u dhalan Boorama ay sheegteen inay joogaan Boorama kuwaas oo qaba cudurka Aydhiska, iyagoo dadka reer Boorama u arkay in ay tahay sumcad xumo doola oo loola soo safray magaaladooda.
samafal bani-aadminimo waxa muuqaynaysa in ay tahay analina haweenay karti badan oo u qalanta in lagu amaano lana siiyo jaa’isadaha waaweyn ee lagu bixiyo hawlaha samafalka iyo u adeega dadka jilicdasan, laakiin waxaa haboon in analina iyo hawlwadeenada la shaqeeya in ay fahamsanadaan in ilaalinta sumcada dadka iyo deegaamada ee dhaqanka reer Somaliland uu yahay arrin si fudud u keeni karta inay ka cadhoodaan oo meesha ka saari kara waxtarkii hore. Arrintan waxaa soo dhexglay oo kulanana ugu qabtay dadka reer Boorama Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Duqa magaalada Boorama oo ay kaalinayaan Ciidanka booliska iyagoo dadka ugu digay in ay iska ilaaliyaan wararka aan xaqaa’iqa ku salysnayn waxay sheegeen, in la baadhi doono faa’iido iyo dhib waxa uu leeyahay hawsha ay analina ka wado magaalada Boorama.
Saldhiga booliska ee Boorama oo hawlaha amniga u qaabilsan magaalada Boorama oo ka hawlgalayay khilaafka arrintaa ka dhashay iyo dad raabo raabo ah ayay ka muuqatay inaanu haysan gaadiidkii uu kaga hawl gali lahaa gudahashada hawsha amniga magaalada Boorama oo ah magaalo aad u kortay dhismo iyo tirada dadka ku noolba sanadihii u dambeeyay.
Garabka Haweenka Ee Ururka UDUB Oo Sheegay Inay Kasoo Horjeedaan Musharaxnimada Cabdi aw Daahir,
H |
argeysa (Haatuf): Garabka haweenka ee ururka UDUB gaar ahaana gobolka Hargeysa ayaa sheegay inay taageersanyihiin musharaxnimada madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ee ururka UDUB ayna ka soo horjeedaan musharaxnimada ururkaasi ee uu maalintii shalay ku dhawaaqay Cabdi Aw Daahir, oo ah Xoghayaha guud ee ururka UDUB.
Waxaana sidaa sheegtay Gudoomiyaha garabka haweenka UDUB ee gobolka Hargeysa Xusni Maxamed Warsame oo iyada iyo xubno ka kala socday degmooyinka Hargeysa ay xalay noogu yimid xarunta Haatuf.
Waxaanay hadalkooda ku yidhaahdeen “haddii aanu nahay garabka haweenka ee ururka UDUB waxaanu ka soo horjeednaa go’aanka uu qaatay Xoghayaha guud ee ururka UDUB Cabdi Aw Daahir, oo sheegay inuu yahay musharaxa jagada madaxtinimada ee ururkaasi waxaananu ku taaganahay haddii aanu nahay garabka haweenka mawqifkii hore ee ahaa inuu musharaxa ururku yahay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin sababtuna waxa weeyi anaga oo aan u baahnayn carqalad iyo kala jab ku yimaada ururka UDUB” ayay hadalkooda ku soo gebagebayeen garabka haweenka UDUB ee gobolka Hargeysa.
H |
argeysa (Haatuf): Dhismaha kaam cusub oo Hargeysa ay ka dhisayso hay’adda SOS, ayaa la filayaa in u horaanta sanadkan ka bilawdo Ex-Ganad oo dawladda Somaliland, u ogolaatay hay’adda sida uu noo sheegay Al-Asha’ari oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee hay’adda SOS oo sheegay in dhismahaasi yahay Children Village, iskuul xarunta Carruurta lagu xanaaneeyo kaamkaasna laga dhisi doono ganad meeshii la odhan jiray.
Hay’adda SOS waxay Berbera ka samaysay dhisme kale sidoo kale waxay Dayactirtay Iskuulka Sheekh oo ay gacanta ku hayn doonto.
Ciidamada Maraykanka oo dhoolatus ka wada Kuwayt