Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 197

Date

Markii la dhacay, laguna kufsaday Muqdisho ayay iyaga…

Mashruuca biyo-gelinta ee Boorama

BADHEEDHAHA WARGEYSKA - Ramadaan Bilatee Bilkhayr Dhaha

Ronaldo

Abaabul ka saarkii Way Ku Saaqiday Kamana Muuqato Kaalintii Laga Filayay

Ha La Isu Dhiibo Xisbiga Cumar Carte Qaalib

Kooxaha Soomaaliya Oo Isku Mari Waayay Qaybsiga Xubnaha Gudi Hoosaadyada Shirka Eldoret

Doorashada Xubnaha Baarlamaanka Ah Oo Ka Socota Maraykanka

Naadiyada Ugu Heerka Sareeya Yurub Oo Isla Ogolaaday Inay Xadeeyaan Mushaarooyinka ay BixiyaanNaadiga Manchester 

Kooxda Bayern Munich Oo u Wiiqantay Ciyaartoy Doora Oo Aan U Safan Ciyaaraha Kooxdooda Dhaawacyo awgood

Saamayn

Wararka gobolka Sool

Machadka UNIVERAL

Cabdi Aw-Daahir oo la sheegay - in xilkii xoghayaha UDUB laga qaaday


Markii la dhacay, laguna kufsaday Muqdisho ayay iyaga…

Harg (Haatuf): Badhtamihii xilli-maalmeedkii shalay waxaa gudaha dayrka xafiiska wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hargeysa, ku sugnaa laba haween ah oo watay saddex carruur ah, labadaa haweenka ah iyo carruurtoodu waxay sugayeen hawlwadeenada wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland, qof ka mid ah dadkii xilligaas ku sugnaa halkaas ayaa mid ka mid ah haweenkaas weydiiyay halka ay ka timid iyo halka ay ku socoto, laakiin jawaabtii ka soo baxday haweenaydaas oo ay dhinac fadhiyaan laba carruur ah oo ay dhashay waxay noqotay mid ka duwan su’aashii la weydiiyay, waxaanay tidhi; "Xaggeen tegi karaa ma haysano xataa waxaanu cuno maanta, markaa ma meel ayaanu tegi karnaa."

Jawaabtaasi waxay ahayd mid run u eg oo ka turjumaysay duruufta ka muuqata jidhkeedii oo muujinaysa in dhib badan ay soo martay haweenaydaasi.

Hawlwadeen ka tirsan wargeyska Haatuf oo goobtaa ku sugnaa ayaa xog-waraystay haweenaydaas, waxaanay u sheegtay in magaceeda la yidhaa Basra Maxamed Xaaji oo ay la socdaan Qureesha Maxamed Xaaji oo ah walaasheed iyo 3 carruur ah oo laba ka mid ah ay dhashay Basra, midna walaasheed Qureesha.

Basra oo ka hadlaysa duruufteedu waxay u sheegtay shalay weriye Haatuf in markii la dhacay iyada iyo walaasheed Qureesha oo xilligan goob-joog ahayd, lana kufsaday iyaga oo joogay xaafadda Medina ee Muqdisho, sidaasna ay ku yimaadeen Hargeysa iyo inay faro madhan yihiin oo aanay haysan waxay cunaan iyo daryeel kaleba.
Basra iyo Qureesha saddexda carruur ah ee ay wataan waa da’da carruureed ee aan u adkaysan Karin duruufta adag ee ay ku sugan yihiin, iyaga iyo hooyooyinkoodba.

Basra iyo Qureesha, inkasta oo ay duruuftaa ku jiraan, iyaga iyo carruurtoodii, haddana waxay u muuqdaan kuwo xishood dartii aan isku dayayn inay cid baryaan.

Basra Maxamed Xaaji waxay iyada iyo walaasheed u sheegeen weriyaha Haatuf shalay in ay tageen xafiiska Arrimaha Gudaha si ay uga helaan qroaal ay caawimo ku helaan, laakiin may muuqan in ay shalay halkaas wax uga suurtogaleen.

Runtii 5-taa qof ee qaxootiga ku yimid Hargeysa, laba haween ah iyo saddex carruur ah, waxay ku sugan yihiin duruuf nololeed oo adag, una baahan caawimo benii’aadaminimo in loo geysto, waxaanu wargeyska Haatuf qoraalkan ugu soo bandhigay Basra Maxamed Xaaji, Qureesha Maxamed Xaaji iyo saddexda Carruur ah oo ay dhaleen in hay’adaha samofalka ee caalamiga ah, kuwa waddaniga ah iyo ciddii kale ee caawimo benii’aadaminimo u geysan kartaa ay kala xidhiidhaan telefoonkan (KAYNUUN Hotel - 39681, C/O Xasan).

Sida ay sheegeen haweenkaas walaalaha ahi ma jirto gacan caawimo ah oo hore cidi ugu geysatay ama hay’adi.

Top


Mashruuca biyo-gelinta ee Boorama

Boorama (Haatuf): Biyaha ayaa butaacay qasabado biyood oo magaalada Booaram la geliyay oo ka mid ah hawsha mashruuca biyo-gelinta ee Boorama oo si tijaabo ah biyaha loogu furay horraantii toddobaadkan.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Boorama, Engineer Maxamuud Xuseen Maxamed ayaa dhowaan uga warramay hawsha mashruuca kor loogu qaadayo biyo-siinta dadweynaha degan magaalada Boorama iyo agagaarkeeda.

Eng. Maxamuud wuxuu sheegay in ay ku rajo-weyn yihiin in hawsha biyaha laga keenayo dooxa Dhamuug oo qiyaas ahaan 5.5 km u jira xarutna wakaalada biyaha ee magaalada Boroama inay soo gebogebowdo horraanta sanadka soo socda ee 2003 iyo in mashruuca ay maal-gelisay hay’adda caawimada caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo u wakiilatay hay’adda UNICEF.

Warbixinta hawshaas ee Maareeyaha wakaalada Biyaha ee Boorama, waxaa kale oo ka mid ahaa in fulinta hawsha biyo-gelinta ay fuilnteeda ka hawlgaleen lix hay’adood oo waddani ah, kuwaas oo kala ah; hay’adda Bat oo fulinaysa hawsha mashruucan inta u dhaxaysa ceelasha dooxa Dhamuug ilaa kaydka cusub ee biyaha Boorama ee hadda gacanta lagu hayo oo laga dhisayo buurta Faraxyood oo dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Boorama una jirta ceelasha dooxa Dhamuug qiyaas ah 2 km iyo 600 m, kaydkaas oo qaadi doona 721m3, halka kaydkii hroe ee biyaha Boorama oo ku yaalay buurta Sheekh Cali Jawhar uu qaadayay 120m3, taas oo keenaysa in kaydka cusub ee Faraxyood uu 90% kor u qaadayo kaydka biyaha ee magaalada Boorama, hay’adda MCC ayaa iyadu fulinaysa oo hadda gacanta ku haysa dhismaha barkadda kaydka ee laga dhisay dusha sare ee buurta Faraxyood.

Hay’ada Horn Construction ayaa iyana fulisay hawsha qasabadaha ee biayha lagaga soo qaadayo kaydka cusub ilaa xarunta wakaalada Biyaha ee Boorama. Hay’adda KCC, ayaa iyaduna fulisay ku baahinta qasabadaha ee magaalada Boorama dhul cel-celiskiisa qiyaastiisu ay tahay ilaa 13km oo ah magaalada Boorama. Hay’adda SOSVO ayaa fulisay Biriij lagaga soo tallaabinayay dhuumaha biyaha dooxa Dhamuug iyo koronto ku xidhista ceelasha biyaha.

Hay’adda VIA-Dhidar ayaa iyaduna mashruucan kaga hawlgashay sifaynta ceelasha biyaha iyo dhuumaha qaadaya biyaha.

Maareeyaha wakaalada Biyaha ee Boorama, warbixinta kadib wuxuu hawlwadeeno ka tirsan wargeyska Haatuf uu soo mariyay goobaha hawshaa mashruuca biyo-gelintu ay ka socoto hadda ee dooxa Dhamuug iyo dhismaha kaydka biyaha ee buurta Faraxyood. Sida Eng. Maxamuud Xuseen ugu warramay wargeyska Haatuf waxyaalaha ka dhiman dhammaystirka mashruucaas waa samaynta kios-yada ay dadweynuhu ka cabi lahaayeen iyo dabaynta mashiinada qaar.

Hawshan biyo-gelinta ee magaalada Boorama ayaa u muuqata inay noqon doonto mashruucii ugu waxtarka badnaa ee laga hirgeliyo xarunta gobolka Awdal ee Boorama marka la eego baahida biyood ee dadweynaha ku dhaqan magaaladaas oo tiradoodu aad uga badan tahay xilligii loo sameeyay biyo-gelinta hore iyo kaydkiisa, taas oo mashruucani daboolayo baahida biyaha ee dadka ku nool Boorama xiligan. Waxaa kale oo uu mashruucani ilaha biyaha u noqonayaa degaanada beeralayda iyo xoolo-dhaqatada isugu jira ee degmada Boorama.

Top


BADHEEDHAHA WARGEYSKA - Ramadaan Bilatee Bilkhayr Dhaha!

Waxa maanta oo Arbaca ah inoo bilaabantay bisha barakaysan ee Ramadaan oo uu Ilaahay dadka islaamka ah waajib kaga dhigay inay soomaan.

Curashada bisha barakaysan ee Ramadaan waxa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sh. Muxumed Suufi Maxamed oo hadal munaasibadan ku saabsan ka jeediyay Idaacadda Raadyow Hargeysa.

Wasiirku waxa uu sheegay in curashada Ramadaantu ay ku timaado laba sababood oo kala ah;

Iyada oo la arko bilashada bisha Ramadaan iyo iyada oo ay buuxsanto 30-ka maalmood ee bisha Shabcaan, taasina ay ku buuxsantay maalintii shalay, sidaa darteedna ay maanta kow tahay bisha Ramadaan, haddii bisha la arko iyo haddii kaleba. Sidaa darteed dadka reer Somaliland oo 100% muslimiin ah waxa ay maanta bilaabayaan soomka bisha Ramadaan, iyaga oo gudanaya waajibaadka uu Ilaahay saaray.

Soomka Ramadaantu waa tiirka afraad ee tiirarka islmaaka ee shanta ah, macnihisuna waa; "in afka laga xidho inta ay socoto bisha Ramadaan cuntada, cabista iyo waxkasta oo soomka jebinaya laga bilaabo salaada subax ilaa inta ay cad-ceedu dhacayso." Sidaas oo ay inoo caddaysay shareecada islaamku waxa uu soomku leeyahay fadli gaar ah oo uu Ilaahay ku abaal-marinayo addoomihiisa guta waajibka la saaray. Sidaa darteed, wargeyska Haatuf wuxuu akhristayaasha ugu soo gudbin doonaa cadadada soo socda inta lagu jiro bisha Ramadaan qoraalo taxane ah oo ka warramaya soomka iyo axkaamtiisa haddii Alle yidhaa.

Curashada bisha Ramadaan awgeed, bahda HMN waxay hambalyo u diraysaa dhammaan dadka islaamka ah, gaar ahaana dadka reer Somaliland, waxaanaynu Ilaahay ka baryaynaa inuu ina siiyo barakada Ramadaanta, sannadka-sanadkiisana inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo. Aamiin.

Top


Ronaldo

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Ronaldo ayaan lix ciyaarood oo uu u saftay kooxdiisa aan shebegga la helin wax goolal ah oo uu lugtiisa ku saxeexo, laakiin sida uu Ronaldo ugu warramay shalay jariirada ka faaloota ciyaaraha ee Marca wuxuu isku kalsooni ku qabaa in ciyaaraha soo socda uu dhalin doono goolal sida uu ku rajo weyn yahay, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxaa ka mid ah hadaladiisii; “Waxaan si deg-deg ah u dhailn doonaa goolal, waan hubaa gool-dhalintaydu way dhowdahay. Ma noqonayso maalin walbaa sidii maalintaydii bilanayd. Wax wal oo aan qabanayaa way fiicnaanayaan.”

26-jirka reer Brazil ee ah xiddiga ciyaaraha kubadda cagta Ronaldo, waxaa xilli-ciyaareedkiisan ugu dambaysay gool uu dhaliyo ciyaartii ay kooxdiisu la yeelatay kooxda Alaves 6-dii bishii hore ee October oo uu Ronaldo 14 daqiiqadood gudahood ku dhaliyay laba gool.

Ronaldo wuxuu waraysigiisan lagu daabacay jariirada ciyaaraha ee Marca, shalay uu ugu warramay maalintii Isniintii ee toddobaadkan isaga oo markaa la guddoonsiiyay jaa’isadda gool-dhaliyihii sannadkan, kadib markii uu ciyaarihii koobka adduunka ee sannadkan uu ahaa gool-dhaliyihii ugu goolasha badnaa ciyaarahaas oo uu dhaliyay 8 gool.

Isaga oo gool-dhalinta xilli-ciyaareedkan ka hadlaya Ronaldo wuxuu yidhi; “Waxaan sameeyay horumar, waxaan dareemayaa in aan aad uga wanaagsanahay sidii hore, waxa keliya ee iga maqani waa in aan goolal dhaliyo.”

Dhammaadkii bishii August ee sannadkan ayaa kooxda Real Madrid ay kula soo wareegtay Ronaldo heshiis qiimihiisu dhan yahay 45 milyan oo ah lacagta Euros ee Yurub, una dhiganta 44 milyan oo dollar, waxaanu ka soo wareegay Romaldo kooxda Inter Milan ee Talyaaniga, isaga oo Ronaldo la koox noqday xiddigaha kale ee iyaguna kubadda cagta oo kala ah Zinidine Zidane, Luis Figo, iyo Raul Gonzales.

Ciyaartoyga Figo iyo Raul oo ka fadhiyay ciyaaro dhawr ah kooxda Real Madrid sababo xanuun iyo dhaawcyo ku soo gaadhay ciyaaraha ayaa keenay in naadiga Real Madrid dib ugu soo dhaco kaalinta lixaad ee tartanka kooxaha Spain, iyada oo loo aanaynayo dib u dhacaa kooxda Real Madrid jiilaalka saameeyay gool-dhalintii weeraryahanka xilligan dunida ugu caansan xagga gool-dhalinta ee Ronaldo.

Wixii ka dambeeyay ciyaartii ay Real Madrid 5-2 gool ku legeday kooxda Alaves, waxay kooxda Real Madrid ku guul-daraysatay in guul ka haleesho lixdii ciyaarood ee ka dambeeyay, waxaanay dhalisay 4 gool oo keliya.  

Top


Abaabul ka saarkii Way Ku Saaqiday Kamana Muuqato Kaalintii Laga Filayay

Muddo dhan laba sanadood waxay Hay’ada GTZ u tafa xaydnayd inay Somaliland ka fuliso mashaariic ay u maal galiso ciidamda toddoba sanadood muddo laga joogo hubka iskood u dhigay.

Nasiib darro se ilaa maanta wax la taaban karo ama ishu qabato oo (GTZ) u qabatay ma jiro bari ilaa galbeed.

Haddaba waxa la leeyahay guuldaradaa waxqabad la’aaneed ee hay’adda GTZ waxa ka masuula hawl wadeenada hay’adda oo majara habaabiyay qaabkii ay ahayd in wax loo qabto ama loo bilaabi lahaa. Waxaanay taladii ku ururtay xaafto meerto iyo xafiiska oo ay hoosta ka soo xidhaan. Hadaan soo qaato mashruucii amaahda oo u dhignaa sidan xaaska (600) qof qudha (300) waxaana bil kasta la soo celinayaa (100$) waxa kale oo dayn qaatuhu bixinayaa bishii (10$) oo dulsaara qofka dayn qaataha marka la amaahiyo (300$) isagoo fara madhan intay faa’iido soo saari kartaa? Marka isaguna masaariif u baahanyahay (100$) boqol iyo Toban dollar-na laga rabo inuu bishii soo celiyo siday suurta gal ku noqonaysaa? Waxaan u haystaa in wax loo qabanayo Haddaba ma waxaynu odhan karaa waa wax qabad (GT|Z) ay maalgalisay. Mise waxaynu odhan karaa waa fadeedaxad midawga Yurub ku deeqay muwaadiniiin reer Somaliland   ah.

Waxay GTZ ku soo kordhisay in ay qabsadan Looyar oo ay ku dacweeyaan dadkaa aan waxba loo qaban oo ay GTZ kaga baxdo lacag ka badan inta ay dhawrka qof ku fadeexadaynayso.

Ta kale wax qabadkii iyo mashaariicdii oo dhan waxay yidhaahdeen xoolo u badalo ama beer waxa la yaab leh halkay fikrada khaldan ka keeneen waxa ka horeysa ma dhaqan garanayaa xoolaha qofkani ma qodan yaqaanaa beerta.

Waxay taasi u muuqataa inay deeqbixiyayaasha uga dhigan in ay wax qabteen oo ay yidhaahdaan kumanaan qof ayaanu wax u qabanaya

Noor Muhundis Guud Cadde

Hargeysa

Top


Ha La Isu Dhiibo Xisbiga Cumar Carte Qaalib

Waxaa xusuus mudan oo qofkasta oo muwaadin ahi maskaxdiisa ku soo noqnoqonaysa kelmadihii iyo weedhihii uu siyaasiga caanka ah ee Cumar Carte Qaalib ku baahiyay Raadiyow Muqdisho iyo warbaahinta Caalamka 1991kii markii taliskii Siyaad Barre gabalku u dumay isaga oo si ku dhac iyo geesinimo ah u bandhigay in Ciidamada ku sugan goobaha milatariga ee fadhiisimada gobolada woqooyi si toos ah hubka u dhigaan isuna dhiibaan ururka SNM isaga oo Siyaad Barre garab-fadhiya balse uu si aan habrasho lahayn u muujiyay mawqifkiisa taariikhduna ma duugowdo waana mid ku xafidan maskaxda muwaadiniinta iyo maalmihii soo maray.

Walaalayaal taasi waa tii sababtay inuu adhaxda ka jabo malaayiin milatari ah oo ku gaashaaman saanadaha Ciidan ee nooc walba leh kuna sugnaa xeryo caan ah iyo kuwa qarsoon ee gobolada dalkan muddo 20 sano ka badan lagu soo daad-gureynayay cudud Ciidan oo xad-dhaaf ah.

Walaalayaal odhaahda ka soo yeedhay Cumar Carte waa kuwo Daab-furay niyad jab iyo mooral xumidii ugu weyneyd ee soo wajahda askarta taliska Barre isla markaana baajisay dirir mitidnimo oo naf la caari ah iyo halgan jibaysan oo dhexmara Ciidanka taliskii Barre iyo ururka SNM. halkaasna ay ku badbaadaan dhimashada malaayiin nafo ah isla markaasna waa in la qiimeeyo halku dhega taariikhiga ah ee Mr. Carte ee uu ku bandhigay shucuurtiisa wadaniyadeed awgeed waxan ku baaqayaa in ururada siyaasada madaxa banaan isu dhiibaan ururka Cumar Carte Qaalib.

Eebe tubta toosan ha ina waafajiyo aamiin.

Ex. Adhiile Cabdi Yuusuf Xandule (Haliil)

Hargeysa  

Top


Kooxaha Soomaaliya Oo Isku Mari Waayay Qaybsiga Xubnaha Gudi Hoosaadyada Shirka Eldoret

Eldoret (W. Wararka) Shirka dib u heshiisiinta kooxaha Soomaaliya ee ka socda Eldoret ayaa dhawr ayaamood hakad galay ka dib markii hogaamiyayaasha kooxaha ka qayb galaya shirka oo uu ka dhex aloosmay maalintii isniintii muran xoog leh oo ku saabsan saami qaybsiga xubnaha kooxaha uga qayb galaya gudiyada farsamo oo la damacsanyahay in loo saaro arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin samaynta Distoor cusub iyo xukuumada sal ballaadhan oo shirka lagu dhiso.

Qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyada shirka ka qayb galaya ayaa ku dooday in tirada xubnaha kooxaha uga qayb galaya shirka lagu saleeyo saamiyada ay ergooyinka kooxuhu kaga qayb galayaan shirka iyadoo ay dadka arrintaa diidani ku andacoonayaan in haddii ay arrintaasi dhacdo ay beelaha qaar sadbursiimo helayaan oo waxay doonaan samaysanayaan wixii ay doonaan ay meel marsan karayaan.

Dhinaca kalena madasha uu shirku ka socdo waxa gaadhay C/Risaaq X. Xuseen oo hore Ra’iisal wasaare uga ahaa Soomaaliya isaga oo sheegay in shirka lagu marti qaaday si uu fikradiisa uga dhiibto una soo bandhigo sida ay soomaalidu xal ku heli karayso. Waxaanu intaa kudaray inaanu isagu koox iyo urur toona ka socon, balse loogu yeedhay waayo aragnimada uu leeyahay.

Top


Doorashada Xubnaha Baarlamaanka Ah Oo Ka Socota Maraykanka

Washington (W. Wararka) Dalka Maraykanka ayay shalay ka bilaabantay codbixin lagu dooranayo kala badh xubnaha Golaha Kongereska ee dalkasi, iyadoo ay doorashada ku loolamayaan labada Xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga taasoo ah mid xamaasad gaar ah leh.

Labada Xisbi waxay loolan ugu jiraan inuu mid waliba helo aqlabiyada Golaha baarlamaanka oo ah hay’adda xeer dejinta u qaabilsan dalkaasi.

Doorashadan oo ay dadweynaha Maraykanku ku dooranayaan Madaxda 36 ka mid ah gobolada maraykanka waxa goobaha codbixinta albaabada loo furay subaxnimadii hore ee shalay iyadoo ay dadweynaha codka bixinayaa safaf dhaadheer u galeen goobaha codbixinta.

Doorashadani waxa la sheegay inay tilmaan ka bixin doonto saadaasha doorashada madaxtinimada ee ka dhici doonta maraykanka sanadka 2004.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa la sheegay inuu haatan haysto aqlabiyada Madaxda goboladaasi oo ay ka taliyaan 27 gobol halka uu xisbiga Dimuqraadigu 21 gobol ka taliyo, waxaana la filayaa inuu xisbiga dimuqraadigu ka faa’iidaysto doorashadan oo uu kasbado kuraasi badan oo uu hore u haystay xisbiga Jamhuurigu. Taasoo ay u sababtahay dadweynaha maraykanka oo ay saamayn ku yeelatay weeraradii loo gaystay maraykanka 11kii September 2001. mudadaa ka dibna uu hoos u dhac ku yimid taageeradii uu haystay xisbiga Jamhuurigu oo haatan haya talada dalkaasi.

Top


Naadiyada Ugu Heerka Sareeya Yurub Oo Isla Ogolaaday Inay Xadeeyaan Mushaarooyinka ay Bixiyaan

Naadiga Manchester United ayay 40% kor u kacday mushaarooyinka uu bixiyaa sanadkii hore.

Naadiyada ugu heerka sareeya Yurub ee ciyaaraha kubada cagta ayaa isla ogolaaday inay xad u sameeyaan heerka mushahar ahaan ay ciyaartoyda u siin karaan mushahar ahaan si ay uga hortagaan naadiyadaasi musalaf dhaqaale oo soo food sari kara mustaqbalka.

Naadiyada loo yaqaan G14 oo ay wadamada Yurub kaga jiraan (18) naadi oo ah kuwa kubada cagta ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Brussels ee Beljamka isku raacay inay ku xadeeyaa mushaarooyinka heer ah 70%.

Qorshahan ay isla ogolaadeen naadiyada hogaanka u haya ciyaaraha Yurub wuxu ka mid yahay talooyin ka kooban (10) qodob oo loogu talo galay inay dhaqan galaan 2005-2006.

Waqtigan hadda ah ma jiro xad uu ku koobanyahay heerka kharashka lacageed ee uu naadigu ku bixin karo mushaharka naadiyada qaar ayaa horeba dhibi  ugala soo deristay dhinaca dhaqaalaha ka dib markii ay xakamaha u soo daayeen heerka lacageed ee mushaarooyinka uu naadigoodu bixiyo.

Heshiiskan ay gaadheen naadiyada kubada cagta ee loo yaqaan G14 waxaa kale oo ka mid ah shuruuc la xidhiidha qodobada heshiisyada bixinta lacagta mushaarooyinka iyo codsiyo kordhinta lacagta mushaarooyinka ee naadiyada iyo cashuurta u kala gudubka naadiyada ee ciyaartoyda kubada cagta.

Naadiga Manchester United ayaa sheegay bishii September ee sanadkan in lacagta sanadkii hore ku koradhay mushaarooyinka ay bixiyaan ay ahayd (70) milyan oo ah Giniga Ingiriiska.

Heshiiskan xadidaada mushahar bixinta ee naadiyadaasi waxa la sheegay in uu ka caawin doono Kooxahaasi ku heshiiyay sidi ay uga badbaadi lahaayeen culays ay is saaraan oo ka yimaada mushaarooyinka ay siinayaan ciyaartoydooda si ay uga qayb qaataan tartamada ciyaaraha.

Heshiiskan qodobadiisa waxaa kale oo isticmaali kara naadiyada aan ku jirin heerka Kooxda naadiyada ah ee loo yaqaan G14 oo kuwa heerka sare ka gaadhay ciyaaraha kubada cagta

Top


Kooxda Bayern Munich Oo u Wiiqantay Ciyaartoy Doora Oo Aan U Safan Ciyaaraha Kooxdooda Dhaawacyo awgood

Berlin (Reuters) Kooxda Bayern Munich ayaa horeba banaanka uga noqotay tartankii kooxaha reer Yurub iyadoo aan ciyaarna ku guulaysan afartii ciyaarood ee u dambeeyay, waxaanay gashay Kooxda kubada cagta ee Bayern Munich todobaad kale oo ay (7) ciyaartoy oo ah kuwa halbowlaha u ah kooxdaasi ay uga fadhiyi doonaan ciyaaraha dhaawacyo jidheed oo ku dhacay awgii” Kooxda Bayern Munich waxay magaaladeeda ku qaabili doontaa ciyaar dhex mari doonta Hanover96 maanta, ciyaartaas oo ah koobka kooxaha Jarmalka, ciyaartaas waxaa ugu xigi doonta ciyaar ay maalinta sabtida ah ee soo socota tartanka horyaalada Bundesliga kula ciyaari doonto Kooxda Borussia Dortmund. ciyaartii ay axadii yeelatay Bayern Munich ka dib waxaa liiskii hore Kooxda dhaawac jidheedka ugaga fadhiyay ku biiray Mehmet Scholl oo khadka dhexe uga ciyaara iyo Thomas Linka oo difaaca u ah, waxaa isna sidoo kale kuraasta nasashada dhaawac awgii u fadhiistay Roque Santa. Waxaa isna u dhaw inuu ka fadhiyo ciyaaraha kooxdaasi ay doorkan safanayso Ze Roberto oo khadka dhexe isna ka ciyaara.

Dhaawacyadan jugeed awgeed ee naafaysay ciyaartoydu kubada cagta ee halbawlaha u ahaa Kooxda caanka ku ahaa ciyaaraha kubada cagta ee Bayern Munich waxaa isna bukaan socod eegtida iska xaadiriyay Sammy Kuffour oo difaaca uga loolama ciyaaraha kubada cagta ee kooxdaas isagoo ka cabanayay jug ka gaadhay dhabarka.

Arrintu siday doonto ha ahaatee si calool adayg ku jiro waxaa arrinta uga hadlay kabtanka kooxdaas iyo gool hayaha waxaanay ku doodeen in aanay haboonayn in laga hadlo dhibaatooyinka haysta kooxdooda maadaama weli kooxdoodu haysato rajo ay guul ka soo hoyn karto loolanka ciyaaraha kubada cagta ee Jarmalka (German League) iyo sida uu yidhi weliba gool haye Oliver Kahn rajada Kooxda ee dhinaca koobka loo yaqaan (Cup Double), Kahn wuxuu intaa raaciyay in halyeeyada kooxdiisa looga baahanyahay in ay la jaanqaadaan hab dhaqanka maamulaha Bayern Munich Uli Hoeness ee deganaanta ah.  

Top


Saamayn

Hargeysa (Haatuf): Sida la ogyahay xoghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ayaa doraad shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay tartanka madaxweynenimada Somaliland marka ay dhamaato mudada dawladda hadda talada haysaa oo ku began horaanta sannadka foodda inagu soo haya ee 2003, wuxuuna Cabdi Aw-Daahir sheegay inuu ka sharaxan yahay ururkiisa UDUB, isaga oo weliba madaxweynaha Daahir Rayaale iyo kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ugu baaqay inay ka tanaasulaan tartanka madaxtimada, iyadoo uu madaxweyne Rayaale hore ugu dhawaaqay inay taagan yihiin isaga iyo kuxigeenkiisuba, kana sharaxan yihiin ururka UDUB. Hase yeeshee soo if-baxa musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir waxay gaar ahaan ururka UDUB gudihiisa xasaasiyad iyo sawaxan siyaasadeed, sidaa darteed ilaa labadii caano-maal ee ina dhaafay waxa atmosfeerka siyaasadeed ee ururka UDUB ku ged-fanaa dareen iyo xarakaad siyaasadeed oo dhiif leh, waxaana taa keenay iyadoo ay is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir ka cadhaysiisay dad badan oo reer UDUB ah, gaar ahaan hogaanka sare iyo ragga kale ee aan Cabdi Aw-Daahir  la mawqifka ahayn. Sidaa awgeed inkasta oo aanay ilaa hadda jirin cid si rasmi ah uga jawaabtay sheekada Cabdi Aw-Daahir, hadana waxa soo if-baxay dareemo iyo dhaqdhaqaaqyo diidmo ah oo lagaga jawaabayo mawqifka is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir.

Kooxo dumar u badan oo ay hor-kacayaan garabka haweenka ee ururka UDUB, xafiisyadooda Hargeysa ayaa shalay isa soo dhoobay xarunta ururka UDUB ee Hargeysa, waxayna sheegeen inay ka soo horjeedaan go’aanka Cabdi Aw-Daahir ee is sharaxaadda, isla markaana ay taageersan yihiin musharaxnimada madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Laakiin dhinaca kalena xoghayaha guud ee UDUB, Cabdi Aw-Daahir maalintii shalay wuu soo shaqa tegay, wuxuuna saacado badan xafiiskiisa, halkaas oo dadka ku qaabilayey, wuxuuse kaamboolka xafiiskiisu ahaa meel si weyn loogu xoonsan yahay oo uu ka taagan yahay sawaxan.

Kooxahaa dumarka u badan oo saxaafadda la hadlay waxay dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir ku tilmaameen arin aan qurux badnayn, iyaga oo dareenkooda ku muujiyey sida ay uga dhan yihiin mawqifka Cabdi Aw-Daahir.

“Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu taageersanahay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah ninka xisbiga ugu sharaxan jagada madaxweynenimada”ayey yidhaahdeen dumarka ururka UDUB ee jawaabta ka bixiyey dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir, waxayna intaa ku dareen “Uma baahnin wax carqalad ah iyo wax kala jajab ah midna”.

Xusni Maxamed Warsame oo madax ka ah xafiiska Hargeysa ee garabka haweenka UDUB, Canab Axmed oo iyana la sheegay inay madax ka tahay xafiiska UDUB ee garabka haweenka gobolka Sool, Fad-xa Cali, Khadra iyo xubno kale oo la sheegay inay ka kala socdaan Xafiisyada ururka UDUB ee garabka haweenka iyo weliba xubno ka mid ah golaha dhexe ee UDUB ayaa u hadlay kooxihii dumarka ahaa ee isu soo baxay, kuwaas oo muujiyey diidmadooda Cabdi Aw-Daahir iyo dhinaca kale taageerada ay u hayaan madaxweyne Rayaale, iyaga oo kooxahaa dumarka ahi socod lug iyo baabuur ah ku maray suuqyada iyo wadooyinka magaalada Hargeysa, taas oo ay ku dhawaaqayeen halku-dhegyo ay taageero ugu muujinayaan madaxweyne Daahir Rayaale, isla markaana ay ku muujinayaan diidmadooda Cabdi Aw-Daahir (Xoghayaha guud ee UDUB).

Dhinaca kalena dhaqdhaqaaqyo iyo dareemo aan soo if-bixin oo ay ragga iyo kooxaha UDUB ee Cabdi Aw-Daahir diidan ayaa saacadihii ina dhaafay sir iyo caad-ba loo dareemayey, waxayna dad kale oo iyaguna taageerayaasha Cabdi Aw-Daahir ahi aaminsanaayeen in kooxaha dumarka ah ee ka soo horjeeda Cabdi Aw-Daahir laga soo abaabulay dhinaca madaxtooyada. Laakiin Xusni Maxamed Warsame iyo dumarka ay horkacaysay ayey weriyayaashu wax ka waydiiyeen ujeedada isu soo baxooda iyo sababta keentay inay isa soo abaabulaan.

“Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu wax shaki ah iyo wax was-waas ahi nagu jirin, arinta uu xoghayahaga guud ku dhawaaqayna waxay nagu noqotay sakati, laakiin arin shakhsi ah oo aan laga tashan weeye”ayey xubnaha u hadlay kooxaha haweenka ah ee ka soo horjeeday is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir, laakiin dumarkaa mar la waydiiyey sababta keliftay inay isa soo abaabulaan waxay ku jawaabeen “Waxa abaabulkayagan keenay mawqif aanaan xoghayahaga guud la ogayn oo aanaan ka wada tashan ayuu ku dhawaaqay, taas ayaa keentay abaabulkayaga”. Hase yeeshee Cabdi Aw-Daahir waxa isna shirkiisii jaraa’id ee doraad ku sheegay inuu xeerka ururkiisu xaq u siinayo inuu is sharaxo, isla markaana aanu jirin wax khilaaf ah iyo wax kale oo mashaakil ah oo ururka dhexdiisa ka jiraan, sidaa darteed kooxaha haweenka ah mar la waydiiyey bal waxa ay u cuskanayaan diidmadooda iyo qaladka uu galay ee ay kaga soo horjeedaan waxa uu yahay waxay yidhaahdeen “Ma lihin xaq uma laha inuu isa soo sharaxo, laakiin waa wax aan la isla ogayn oo anaga nagu noqotay fajac, isla markaana anagu maanu sheegin qalad uu leeyahay, waxaanuse sheegaynaa inaanu raacsanahay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin”.

Runtii kooxaha haweenka ah ee isu soo baxay waxa ka muuqday dareen dhiifle oo diidmo ah, sidoo kalena diidista iyo ogolaanshaha musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir waxa xaq u leh golaha dhexe ee ururka UDUB sida uu dhigayo xeerkoodu, sidaa darteed kooxahaa haweenka ah mar la isu barkiyey laba su’aalood oo ay midi tahay bal waxa shucuurtooda kiciyey iyo ta kale oo ah maadaama ay go’aan ka gaadhista qadiyadda Cabdi Aw-Daahir tahay wax u yaal golaha dhexe ee ururka waxa keenay inay taa ka soo hordhacaan waxay ku jawaabeen “Waxaanu ka dhirifnay xasaasiyad aanaan ogayn oo si kedis ah noola soo kulantay, taas oo ay ahayd in xoghayaha wax lala sii ogaado, taasina waxay nala noqotay burburin lagu samaynayo ururka”.

Dad qaarkood waxay kooxahaa haweenka ah ku xamanayeen in laga soo abaabulay dhinaca madaxtooyada, iyadoo la leeyahay sawaxankaasi waa cadhadii madaxtooyada, laakiin kooxahaa haweenka ah oo la waydiiyey bal waxa arintaa ka jira waxay ku jawaabeen “Nalagama soo abaabulin madaxtooyada ee anaga ayaa isa soo abaabulay oo sheegayna mawqifkayaga”.

Dhinaca kalena marka laga hadlayo khilaafka cusub ee ka soo dhex-baxay ururka UDUB gudihiisa waxa jira dareen laga qabo inay rag kale oo UDUB ahi ku dhawaaqaan musharaxnimo, sidaa darteed kooxaha haweenka ah ee isu soo baxay mar la waydiiyey su’aal ahayd sida ay markaana yeelayaan hadii ay dhacdo inay rag kale ku dhawaaqaan musharaxnimo waxay ku jawaabeen “Mawqika aanu iminka taaganahay ayuun baanu markaana is taagaynaa”.

Dhinac kalena inkasta oo aanay xoog badan waxa kaamboolka xafiiska ururka UDUB sanqadhoodu ka baxaysay xubno dad ah oo u muuqday inay dhinacooda taageersan yihiin Cabdi Aw-Daahir. “Cabdi Aw-Daahir xaq buu u leeyahay inuu isa soo sharaxo sharciga dalka u yaal iyo xeerka UDUB midna u diidi maayo inuu isa soo sharaxo, dumarkan meesha ka buuqayana madaxtooyadaa laga soo abaabulay” sidaa waxa yidhi nin dhalinyaro ah oo markii ay kooxahaa haweenka ahi ku sugnaayeen xafiiska UDUB, isna ku sugnaa halkaa.

“Haweenka meesha marayaa waxay u badan yihiin dumarkii wasiirada”sidaana waxa tidhi gabadh iyana xiligaa kaamboolka xafiiska UDUB ku sugnayd.

Waxa kale oo xafiiska UDUB la keenay unug ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland, laakiin lama sheegin sababta loo keenay, sidoo kale waxa isla shalay fadhi ay kaga arinsanayaan dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir yeeshay guddiga fulinta ee UDUB.

Top


Wararka gobolka Sool

Adhicadeeye(Haatuf): Magaalada Adhicadeeye ee gobolka Sool ayey markii u horaysay doraad isugu soo galeen dadka labada beelood ee ay colaaddu dhexmartay(Fiqishini & reer Cilmi) oo ah laba beelood oo reer Sool, ka dib markii ay dadkii magaalada deganaa ku kala qaxeen colaad darteed, inmuddo ahna ku kala maqnaayeen magaalada oo ay wada degaan, iyadoo ay dirirta labadaa reer dhexmartay sababtay dhimasho iyo dhaawac dad iyo weliba burbur hantiyeed.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel Shire oo hadda socdaal hawleed ku jooga gobolka Sool isu imaatinka dadka reer Adhicadeeye kala soo qayb galay qaar ka mid ah weftiga reer Somaliland ee socdaalka hawleed ku jooga gobolka Sool iyo xubno kale oo ka mid ah madax-dhaqameedka iyo wax garadka reer Sool, isla markaana waxa martiqaadka isu imaatinka sameeyey hogaamiyayaasha beesha Fiqishini.

Dad hore ehel u ahaa, laakiin muddo ku kala maqnaa colaad iyo barakac ayaa isniintii doraad isugu soo galay magaaladii ay ku kala qaxeen, waxayna dadkaasi isku salaameen dareen farxadeed iyo wejiyo bohol-yow ka muuqdo, ka dib markii ay colaaddu dadkii halkaa wada deganaa kala irdhaysay, iyadoo ay tuulada Adhicadeeye ilaa dhawrkii sannadood ee u dambeeyey ahayd goob colaadeed oo ay xasiloonidii ka guurtay. Laakiin laga soo bilaabo maalintii doraad atmosfeerka nololeed ee tuullada Adhicadeeye wax baa iska bedelay, waxaana si weyn u soo camiray dad badan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa kun qof iyo dheeraad.

Qaar ka mid ah weftiga iyo madax dhaqameedka reer Sool ayaa dadka reer Adhicadeeye halkaa kula hadlay. “Anagu si dhakhso ah ayaanu idiinka tegaynaa, idinka ayey waajib idinku tahay inaad nabad iyo walaaltinimo ku wada noolaataan”sidaa waxa yidhi xubno ka mid ah weftiga reer Somaliland ee socdaalka hawleed ku jooga gobolka Sool oo ay ka mid yihiin Muuse Goodaad iyo Xaaji Cabdi-waraabe. Sidoo kale waxa kale oo ka mid ahaa xubnihii halkaa ka hadlay Garaad Saleebaan garaad Maxamed iyo Ugaas C/laahi Ciise, waxayna isimadaasi dadka reer Adhicadeeye ugu baaqeen inay adkeeyaan nabadda iyo walaaltinimada si ay mar kale u noqdaan walaalo si fiican ugu wada nool degaankooda.

Waxa kale oo weftiga dhinaca Laas-caanood ka yimi ka mid ahaa Suldaan Siciid Cal iyo taliyaha ciidanka aagga Sool, Ibraahin Caydiid Dhab-dhable.

Dhinaca kalena magaalada Yagoori oo iyana ka tirsan gobolka Sool waxa isla Isniintii doraad lagu qabtay Alla bari balaadhan oo ducaysi ah oo ay ka soo qayb galeen xubno door ah oo ka mid weftiga socdaalka hawleed ku jooga gobolka Sool iyo madax-dhaqameedyada reer Sool, waxaana munaasibadaa oo ay dad badani isugu soo baxeen ka hadlay xubno ka mid ah weftiga iyo garaadada reer Sool, iyadoo uu xubnaha weftiga ee Yagoori yimi hogaaminayey suldaan C/laahi Suldan Cali oo guud ahaan ah Madaxa weftiga, halka uu isimada reer Sool ee halkaa yimi horkacayey garaad C/qani Garaad Jaamac. Laakiin weftiga culus ee isku dhafka ee dhinaca laas-caanood ka yimi waxay ujeedadooda imaatinka Yagoori la xidhiidhay sidii ay u qancin lahaayeen beesha Yagoori oo ay odayaashoodu ka soo cadhoodeen go’aan ay guddiga nabadayntu ka soo saareen garqaadkii labada beelood ee Jaamac Siyaad iyo Ugaadhyahayn oo ka mid ah beelaha reer Sool.

Xubnihii weftiga laas-caanood ka yimi ee reer Yagoori la hadlay waxa ka mid ahaa Suldaan C/laahi Suldaan Cali (Madaxa weftiga),Garaad Cali Buraale (Reer Sool), Boqor Maxamuud Cali Carrab, Suldaan Maxamuud Guuleed, Boqor C/laahi Axmed, Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil iyo Maxamed kaahin Axmed, waxayna xubnahaa halkaa ka hadlay dhammaantood tusaalayaal iyo tilmaamo ka bixiyeen sida ay nabadgelyada iyo Samirku muhimka iyo lagama maarmaanka u yihiin, isla markaana waxay beesha Yagoori u jeediyeen hadalo ay ku qancinayaan inay ka noqdaan cadhadii ay ka soo cadhoodeen go’aankii garqaadka.

“Wanaagiina ayaanu rabnaa, laakiin wanaagga hadii aydaan idinkuna dhiniciina nagala doonin heli mayno”sidaa waxa yidhi Suldaan C/laahi Suldaan Cali oo ah Madaxa weftiga reer Somaliland ee socdaalka hawleed ku jooga gobolka Sool, wuxuuna Suldaanku intaa ku daray “Go’aankii ay Axaddii guddigii 26-ka ahaa xukumeen waad ka soo dareerteen, mana ay ahayn inaad ka soo dareertaan ee waxay ahayd inaad tidhaahdaan kuma aanu qancin ee anbiil baanu ka qaadanay, laakiin anaga wefti ahaan iyo isimadiinu markii aanu shirnay waxaanu isla garanay  inaanu idinka daba nimaadno”, ayuu yidhi Suldaanku, laakiin waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay “Sidii qabiil u soo tashan jirey u soo tashada, ka dibna isu keen keena, hadii aad go’aankii diideen iyo hadii aad dib isu qanciseen oo aad qaadateen-ba”.

 Garaad Ismaaciil Ducaale oo ah garaadka beesha Yagoori ayaa halkaa ka hadlay, isaga oo cudur-daar ka bixiyey arinta ay ku talaabsatay guddigii beeshiisa ka socotay ee garqaadku, isla markaana garaad Ismaaciil waxa uu halkaa kaga tiraabay inay beeshiisu nabadda diyaar u tahay, laakiin garaad C/qani garaad Jaamac ayaa ugu dambayn kulankaa soo gunaanaday, isaga oo ku dardaarmay inay nabaddu lama huraan tahay, isla markaana wixii tabasho ah diyaar loo yahay wax ka qabashadeeda.

Top


Machadka UNIVERAL

Burco (Haatuf): 23 barashada Kombiyutarka dhameeyey ayaa horaantii bishan ka qalin jebiyey Mac-hadka UNIVERSAL oo ka mid ah Dugsiyada gaarka ah ee magaalada Burco, waxaana xafladii qalin-jebinta ardaydaa lagu qabtay Hudheelka Negeeye ee magaalada Burco, halkaasna waxa hadalo ka jeediyey maamulka iyo macalimiinta dugsigaa iyo weliba madaxdii iyo martisharaftii kale eexafladda lagu casuumay.

Marla laga yimaado maamulka, macalimiinta iyo ardayda iyo weliba waalidiinta Mac-hadka UNIVERSAL waxa kale oo xafladdaa qalin-jebinta ah ka soo qayb galay madax iyo martisharaf ay ka mid yihiin gudoomiyaha waxbarashada gobolka Tog-dheer, Ibraahin Dhegaweyne, Maayarka Burco, Aadan-Waqaf, badhasaab-xigeenka Tog-dheer, Mr.Yaasiin, Abwaanka caanka ah Hadraawi iyo martisharaf kale, iyadoo  ardayda qalin jebisay la gudoonsiiyey shahaadooyin ka marag-kacaya aqoonta ay barteen.

 Ugu horayn maamulaha Mac-hadka UNIVERSAL, Cali Maxamed Cali (Cali Janaale) ayaa dadkii xafladda ka soo qayb galay war-bixin ka siiyey sooyaalkii taariikheed ee Mac-hadkiisa, isaga oo tafaasiil dheer ka bixiyey goortii iyo baahidii keentay inay Mac-hadkan abuuraan, iyadoo uu Mac-hadkaasi hadda shaqaynayey tan iyo bilowgii sagaashanaadkii, waxaana lagu bartaa culuun kala duwan sida: Barashada luuqadaha, Teebka, Kombiyutarka iyo maadooyin kale, wuxuuna maamulaha Mac-hadkaasi sharax ka bixiyey tadawarkii uu Mac-hadkiisu dhinaca horumarka ka sameeyey, isaga oo xusay in mudadii uu Mac-hadkiisu abuurnaa ay ka aflaxeen boqolaal qof oo bartay aqoon kala duwan. Laakiin dhinaca kalena waxa uu Cali Janaale farta ku fiiqay duruufihii uu Mac-hadkiisu soo maray iyo sida aanay cidna gacan uga helin, isaga oo sheegay inay ilaa hadda jiraan duruufo ay gacan uga baahan yihiin, inkasta oo uu Mac-hadkaasi mudadii uu jirey Tadawar weyn sameeyey, iyadoo uu Mac-hadkaasi ka mid yahay goobihii ugu horeeyey ee waxbarasho ee laga furo Magaalada Burco iyo Nawaaxigeeda.

Sidoo kale waxa isna munaasibadaa ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada Togdheer, Ibraahin Dhegaweyne, wuxuuna gudoomiyuhu ugu horayn ka sheekeeyey faa’iidooyinka ay waxbarashadu u leedahay qofka aadamaha ah iyo sida loogu baahan yahay in lala dagaalamo aqoon la’aanta.

“Waa inagu waajib inaynu waxbarano, laakiin Waxbarashadu waa inay ka dudo waxa xun, taas oo ah in la kala garto qofka mutacalinka ah iyo qofka aan aqoontu lahayn”ayuu gudoomiyaha waxbarashada Burco, laakiin waxa uu ka hadlay goobaha waxbarashada gaarka ah, wuxuuna sheegay inay wasaarad ahaan ku talo jiraan inay mustaqbalka dhow ku talo jiraan sidii ay qayb ugu yeellan lahaa siyaasadda waxbarashada goobaha gaarka ah, isaga oo dhinaca kalena ardayda qalin-jebisay kula dardaarmay inaanay aqoontu ay barteen halkaa kaga hadhi ee ay sii wadaan.

Maayarka Burco, Aadan Maxamed Mire ayaa isna munaasibadaa ka hadlay, wuxuuna mahadiyey horumarka ay dhinaca waxbarashada soo hooyeen goobaha waxbarashada gaarka ahi, isla markaana waxa uu guud ahaan macalimiinta goobaha waxbarashada gaarka ah ku guubaabiyey inay halkaa ka sii wadaan.

“Waar bahashaa qabyaaladda ah ee wax alaale waxay taraysaa jirin ayaa inala degtay, laakiin hadda waxaad moodaa inuu garaadkeenii inuu ka yara koray”ayuu yidhi maayarka Burco, isaga oo ka hadlaya dhibaatada ay caadada qabyaaladdu ku hayso mujtamaca, wuxuuna da’yarta soo koraysa kula dardaarmay inay waxbartaan maskaxdoodana ka kobciyaan waxyaalaha xun-xun.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa isna ka mid ahaa raggii munaasibadaa ka hadlay.  

Top


Cabdi Aw-Daahir oo la sheegay - in xilkii xoghayaha UDUB laga qaaday

Hargeysa (Haatuf): Ninka ururka UDUB u qaabilsan abaabulka iyo wacyigelinta, Ismaaciil Mire Maxamed oo ah mudane ka tirsan golaha wakiilada ayaa sheegay in xilkii xoghaya guud ee UDUB laga qaaday Cabdi Aw-Daahir, sidaana waxa uu Ismaaciil Mire ku sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay, isaga oo intaa ku daray inuu go’aanka eriga Cabdi Aw-Daahir ka soo baxay fadhi degdeg ah oo shalay yeesheen guddiga fulinta UDUB, isla markaana waxa qoraalkaa lagu sheegay in jagada xoghayaha guud ee UDUB si kumeel-gaadh ah loogu magacaabay Cismaan Garaad oo hore u ahaa kuxigeenka xoghayaha guud.

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Shir degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddiga fulinta ee ururka UDUB maanta (Shalay) oo ay taariikhdu tahay 5/11/2002 waxay kaga doodeen arimahan:

1-Qiimaynta xaaladda guud ee ururka UDUB ee marxaladda la marayo 2-Qiimaynta wax qabadka xoghayaha guud ee ururka UDUB mudadii uu xilka hayey iyo sidii u hawl geliyey ururka 3-Ku dhawaaqidii musharaxa madaxweynaha ee Dr.Cabdi Aw-Daahir.

Guddiga fulintu markii ay si qoto dheer u lafo gureen arimaha kor ku xusan waxa uga soo baxay waxyaalaha:

= Inuu xoghayaha guud ee ururka UDUB, Cabdi Aw-Daahir ka gaabiyey gudashada hawlihii uu u igmaday ururka UDUB, sida: A- Ku fidinta ururka gobolada iyo degmooyinka B- waxa uu si xun u maamulay hawshii ururka, isla markaana ku tagri falay awooddii ururka  C- Wuxuu ku xad-gudbay, isla markaana fulin waayey xeerka ururka, sida: Qabashada shirka ururka ee heer qaran, gobol, degmo ilaa laan. D- xilkii uu hayey waxa uu uga faa’iidaystay danihiisa gaar ahaaneed. E- Waxa uu sabab u ahaa gol-daloolooyin iyo cabashooyin ka jir ururka dhexdiisa. F- waxa uu dhinac maray inuu ku dhaqmo go’aan qaadashada wadareed ee laga rabay guddiga fulinta ururka. G- Waxa uu si khaldan oo aan waafaqsanayn danta guud u maamulay liisaskii musharaxiinta ururka ee golayaasha degaanka. H- Wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa madaxweyne ee ururka UDUB, isaga oo aan soo marin nidaamkii u dhignaa ururka.

Asbaabaha kor ku xusan awgeed guddiga fulintu markii ay qiimeeyeen marxaladda adag ee siyaasadeed ee waqtigan soo waajahay ururka UDUB.

Markii ay arkeen qoddobada kala ah: 20/2, 20/5, 6/2, 12/3,13/2 iyo 15/4 ee xeerka UDUB waxay soo saareen go’aankan:

1-       Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa laga qaaday xilkii xoghayaha guud ee uu u hayey ururka UDUB iyo xubinimadii guddiga fulinta laga bilaabo 5/11/2002 .

2-       Waxa xilkii xoghayaha guud si kumeel-gaadha ah u sii haynaya kuxigeenkii xoghayaha guud Cismaan Garaad laga bilaabo 6/11/2002 ilaa inta ururka looga soo magacaabayo xoghaye guud.

3-       Inuu Dr. Cabdi Aw-Daahir ku ekaado xubinimadiisa golaha dhexe ee ururka UDUB, una gacan banaanaado hawlaha musharaxnimadiisa, isla markaana musharaxnimadiisa soo waafajiyo habka uu tilmaamayo nidaamka iyo xeerka ururku marxaladeeda”ayuu lagu soo xidhay qoraalkaa.

Inkasta oo aanu isku daynay inaanu Cabdi Aw-Daahir dhiniciisa waydiino sida uu u arko xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyey, hadana taasi nooma ay suurta gelin, laakiin Cabdi Aw-Daahir daraad tii ka horaysay (3/11/2002) ayuu ku dhawaaqay inuu u taaganyahay tartanka madaxweynenimada Somaliland, isaga oo sheegay inuu ka sharaxan yahay ururka UDUB ee uu xoghayaha guud ka yahay, sidaa darteed go’aanka hadda la soo saaray ee la sheegay in xilka lagaga qaaday waxa uu u egyahay cadho ka dhalatayn is sharaxaadda uu ku dhawaaqay.

Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu sheegay inuu xeerka ururkoodu xaq u siinayo inuu isa soo sharaxo. Laakiin qoddobka 6aad ee xeerka ururka UDUB oo tilmaamaya xuquuqda iyo waajibaadka xubinta ururka UDUB waxay faqradiisa “J” leedahay “Wuxuu ka qayb qaadanayaa doorashooyinka, isna waa la dooran karaa”. Sidoo kale waxa kale oo uu xeerka UDUB dhigayaa in xoghayaha guud lagu dooran karo shirweyne.

Sida ku cad qoraalkan eriga la sheegay waxa go’aan ka gaadhay guddi fulineed, laakiin marka aad eegto qoddobada ka hadlaya awoodaha guddiga fulinta meelna kagama xusna inay eryi karaan xoghayaha guud ee UDUB. Sidoo kale lixda qoddob ee ay guddigani u cuskadeen eriga Cabdi Aw-Daahir midna si cad uma tafsiirayo qaabka iyo awoodda eriga ee loo cuskaday. Tusaale ahaan qoddobka horeeya ee ay guddigu u cuskadeen eriga xoghayaha guud oo ah qoddobka 20aad, faqradiisa 2aad wuxuu dhigayaa “Dacwadaha waxa lagu qaadayaa sida caadiga ah waxa lagu qaadayaa heerka ama goonta ay ka dhacday”, laakiin meesha kuma cadda cidda awood u leh inay qaado. Sidoo kale qoddobka 6ad, faqradiisa 2aad oo ay guddigu cuskadeen waxay isla faqradaasi u sii farcantaa ilaa toddoba qaybood oo yar, laakiin kuma jiro qoddob keliyaoo ciqaab marin ka hadlayaa. Sidoo kale qoddobka 12aad, faqradiisa 3aad oo ay guddigu cuskadeen meelna kagama taal  wax awood ah oo ay guddiga fulintu leeyihiin, isaga oo qoddobkaas faqradiisa 3aad ay gebi ahaan-ba ka hadlayso xilalka golaha dhexe. 

Top