Baaxaadagii
jacaylka: bilan iyo baxnaan
Iftiinka islaamka
Maamulka C/laahi Yuusuf oo xidhay laba nin
Halkee laga qaaday hawlgalkii lagu laayay xubnihii Al-qaacida ee Yemen
Khilaafka ururka UDUB
Maayarka Hargeysa oo sheegay inuu ka tanaasulay musharaxnimadii
Dhibaatada istaanada Cusub
Kacaankii dhergiga
|
|
Baaxaadagii jacaylka: bilan iyo baxnaan
|
Jacaylka Bilan wuxuu la soo maray Baxnaan, waayo kala duwan, dhacdooyin halis ah, si uu uga midho-dhaliyo Baxnaan in mar uun uu sal-dhigo jacaylkoodu wuxuu u jiidhay haliso kala duwan oo uu u maray Bad iyo Bariba. Baxnaan sheekada jacayl ee ka dhaxaysa isaga iyo Bilan ma aha mid socotay maalmo, bilo, sanad iyo laba ee waxaa qaan-gaadhay ilmihii dhashay maalinti ay sooheen xadhigii ugu horreeyay ee sheedadooda, iyaga oo ku nool meel miyi ah oo ay labada reer isa soo ag-degeen.
Baxnaan wuxuu ahaa inanka ugu weyn qoys aan lahayn xoolo sidaa u badan, Bilan qoyskooda qudhoodu markii hore may lahayn xoolo sidaa u badan, laakiin gu’gaa ay is barteen Baxnaan waxaa laga keenay yarad geel ah oo tiradiisu aad u badan tahay Bilan inantii ka weynayd ee Dhudi.
Qoyska reer Gaas Saddexle ee ay Bilan ka dhalatay yaradkii ay ka qaateen Dhudi wuxuu ka muuqday geela uu reerku hadda leeyahay oo lixdan halaad oo ka mid ah ay ahaayeen yaradkii laga bixiyay Dhudi Gaas Saddexle.
Bilan Gaas, iyadaa ka sii qurux badan walaasheed Dhudi oo aan qudheeda quruxi ku yarayn. Baxnaan haybsigiisa Bilan waxaa horjoogsaday hanti yaraanta qoyskooda, Baxnaan Baashe wuxuu ahaa hobol ku caan-baxay degaankaas oo ku luuqeeya hees-ciyaareedka marka meelaha qaarkii la isugu yimaado ciyaaraha, marka uu ku luuqeynayo hees-ciyaareedka Baxnaan wuxuu ahaa ninka lagaga daba dhufan jirin ee reenka iyo rogista ciyaartaba ku raaligeliya dhalinta u xaraaradaysan ciyaarta ee ay xiisaheeda u yimaadeen goobaha.
Ku soo hal-qabsiga uu Baxnaan hees ciyaareedkiisa ku soo hal-qabsaday marar badan ayaa ka dhigtay jacaylka uu Baxnaan u qabo Bilan mid caan ku ah degaankaas miyi ee reer-guuraaga ahaa, waxaana ka mid ah ereyada uu Baxnaan ku xusay Bilan marar badan oo hees-ciyaareed kaga luuqaynayo goob ay dhalini isugu timid sida; "Bilan waxay u dhigantaa, Bar doogu leeyahay bidhaan qurux badan, oo roobku biyo dhigay, shimbiruhuna ay badiyeen baaqooda codkiyo, baalal ka ciyaarka, ana waxaa I bogsiin kara Bilan sheekadeeda."
Bilan qudheedu may yaraysan jirin hees ciyaareedka waxaanay tidhi iyada oo u jawaabaysa Baxnaan; "Baxnaan waxaad tahay Boqorkii barbaartiyo nin aan baydkiisa heesuhu dhayal uga iman bannaanka, dhinacayga haa, dhinacyada kalena adigiyo badheedhahaa."
Markii la ogaaday inay Bilan wax la wado Baxnaan Baashe ayay reer Gaas Saddexle waxay saareen culayska in la ilaaliyo dhaq-dhaqaaqa Bilan si aanu ula tegin, Baxnaan oo aanay reerkoodu Bilan la doonayn inuu guursado nin ay u arkaan inaanu reerkoodu lahayn xoolo badan oo aanu bixin Karin yaradkii xoolaad ee laga bixiyay inantii weynayd ee Dhudi.
Baxnaan loo dacaree Bilan, wuxuuna goostay in uu mar uun arko oo uu la ballamo Bilan, si uu ugu sheego in xagaa iyo Benderka u kici dono si uu u soo xoogsado hantidii taabogalka ka dhigi lahayd jacaylka uu u qabo Bilan.
Intii ay socotay ilaalinta ay reer Gaas Saddexle ka ilaalinayaan Bilan in uu haleelo Baxnaan waxaa soo dooyaystay geed reer Gaas rag badan oo doonayay Bilan, laakiin waxaa dhacday in Bilan laga waayay haa oggolaansho ah, inkasta oo heer walba uu walaalkeed u joogsaday, Laakiin laga quusay in ay midna ka oggolaato rag badan oo reerkoodu weydiistay.
Bilan xaaladeedu waxay faraha ka baxday markay ogaatay inuu Baxnaan uu u baqoolay xagaa iyo magaalada Hargeysa, isaga oo weliba warka loogu daray Bilan inuu Badda ka tallaabayo oo dhoof haybsanayay.
Bilan habeenkii dambe ayay u badheedhay guure habeenimo oo ay lugta miciinsatay si ay u beegsato halka loogu tilmaamay in uu tegay Baxnaan oo ahayd magaalada Hargeysa, bahalada ciyaya, halista socodkeeda waxay geed qodax leh jiidhay, waxaas oo dhan waxaa kala weynaa Bilan inay mar uun aragto Baxnaan. Bilan waxay samaysay raad-gadasho, iyada oo reerkoodu arkayeen inay markii ugu dambaysay u sii socotay dhinac aan markaa loo malayn Karin in ay u socotay meel kale, laakiin markii dambe ayay abaartay jihadii ay doonaysay, waxaanay reerkoodu moodayeen in Bilan ay tegaysay ciyaar ka socotay meel aan reerka sidaas uga fogayn.
Baadi-goobkii dambe ee Bilan reerkoodu baadi-goobayeen, waxay arrintu halis noqotay markii ay reer Gaas arkeen raadkii Bilan oo uu dhexgalay raad Libaax. Arrintaas oo keentay in Bilan reerkoodu uu shaki ka galo in ay nooshahay iyo inkale, waxaanu aabaheed Gaas ku cataabay; "Alla haddaan sidan moodayo inay bahal nafteeda u baylihinayso sow kay doonto umaan sii daayeen."
Raq iyo ruuxba ka quuste reer Gaas, inay meel ku tiriyaan inantoodii Bilan, waxaanay isu qaybiyeen qayb magaalooyinka ka baadi doonta iyo qayb miyiga iyo tuulooyinka ka baadi doonta.
Baxnaan ayaa helay warka ah in Bilan ay ka soo fara-baxday reerkoodii oo la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay, arrintaas oo uu Baxnaan marka hore ka naxay, marna is yidhi malaha Bilan si fudud ayaad ula kulmi.
Baxnaan talo ayuu goostay waxa qudha ee uu u doonayo inuu arko Bilan waa inuu sii adkeeyo ballan iyo axdi jacayl. Wuxuuse doonayaa inay Bilan dib ugu noqoto reerkoodii haddii ay ka aqbasho talada uu u soo jeediyo.
Bilan dhinaceeda ayay ka baadi-goobaysay Baxnaan, laakiin markii ay Hargeysa soo gashay waxay baadi-goob ku heshay guriga eddedeed Ruun Saddexle, waxaanay Bilan u sheegtay eddedeed inay doonayso inaanay ku noqon miyiga, markii ay Ruun ogaatay inaan reerkii war ka hayn safarkeedan ay Bilan ku timid Hargeysa ayay farriin u diratay walaalkeed Gaas si uu u ogaado in Bilan ay iyada la joogto. Ruun waxaa soo gaadhay war kale oo odhanaya in Bilan ay doonayso in ay guursato nin caydh ah oo uu aabaheedna taa u diiday, loona soo bandhigay in la siiyo Bilan rag xoolo leh, taa dambena ay Bilan diiday.
Ruun Saddexle markii ay heshay sheekooyinkii Bilan ayay qaaday tallaabo ay laabta ugu dejinayso Bilan, waxaanay ku tidhi; "Edo cidna kuma qasbi karto, miyina ha ku noqonin ee halkaagan iska joog.
Bilan markii ay maalmo aamusnayd ayay ina-abtideed Salma uga xog-warantay xaqaa’iqa keenay Hargeysa iyo inay doonayso inay aragto nin la yidhaa Baxnaan oo ku caan ahaa degmadooda. Salma ayaa u sheegtay ina-abtideed in mar haddii aanay garanayn meesha laga helo ay dhib noqonayso sidii loo baadi goobi lahaa, laakiin Bilan waxay ku indho-caddahay inaanu Baxnaan ahayn nin la garan waayayo oo waxay rumaysan tahay Bilan in xataa Hargeysa aad looga yaqaano.
Salma ayaa ku wargelisay doodii ina-abtideed Bilan oo uga sheekaysay hooyadeed Ruun Saddexle, waxaana halkaa ka soo baxay in Ruun ay ku tidhaa naa waxaad ku tidhaa waa la soo helayaa haddii kale reerkoodiiba way ka soo baxsatay, inagana yaanay inaga baxsane. Salma ayaa qaadatay taladii ay hooyadeed u soo jeedisay.
Baxnaan umuu yaraysan baadi-goobka uu Hargeysa ka dhex baadi-goobayay Bilan, wuxuuna ogaaday inay la joogto eddedeed, lakiin wuxuu waayay qof tusa. Baxnaan wuxuu ku ahaa nin u aqoon badan degaanadii miyiga ee u ku barbaaray, xoolahana ku raaci jiray, laakiin magaaladan uu soo galay guriba guri ayuu uga ekaaday, sida Bilan isaga arrintiisa ma oga qoyska ay ehelada yihiin ee uu guriga kula nool yahay.
Baxnaan arrintii way ku ballaadhatay inuu tacabiro wuu doonayaa oo uu safar galo, haddana muu arag inantii uu u dhoofayay si uu u soo shaqaysto ee Bilan, welina indhaha kamuu qaadin intii uu isna Hargeysa dhinaca kaga jirtay, intaa Baxnaan wuxuu tirinayaa heeso amaan iyo jacaylka Bilan isugu
jira.
Top
Sida aynu wada ogsoonahay waxa inoo bilabantay bisha barakaysan ee Ramadaan oo uu Ilaahay ku waajibiyay adoomihiisa muslimiinta ah inay soomaan. Sidaa daraadeed qormadan oo taxane ah waxaynu ku soo qaadan doonaa mawaadiic kala duwan oo ka hadlaya fadliga bisha ramadaan, axkaamta soomka iyo guud ahaanba waxyaabaha loo baahan yahay bishan
Ramadaan:
1. macnaha soomka
soomku waa "in afka laga xidho inta ay socoto bisha Ramadaan cuntada, cabista iyo wax kasta oo soomka jebinaya laga bilaabo salaad subax ilaa cad-ceed dhaca." Waana tiirka afraad ee tiirarka shanta ah ee islaamka. Soomka waxa la faral yeelay sannadkii 2aad ee Hijrada, markaas oo ay soo degtay aayada qur’aanka ah ee waajibinaysa in la
soomo.
Soomku waa cibaado ka dhaxaysa inaga iyo ummadihii horeba sida uu Ilaahay ku caddeeyay aayadda 183aad ee suuratul Baqra, taas oo uu macnaheedu yahay; "Dadka mu’miniinta ahow waxa la idinku waajibiyay soomka sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyayba." Sidaa darteed, soomku waa cibaado aad u
da’ weyn.
Soomku waa cibaadada ugu fadliga badan ee Ilaahay lagu caabudo, waayo, waa cibaado sir ah oo Ilaahay iyo addoonka oo qudha u
dhaxaysa.
2. shuruudaha soomka.
Shuruudaha soomka culimadu waxay u qabiyaan 2 qayb ood oo kala ah;
Shuruudaha waajibka ka dhigaya soomka oo kala ah;
-
waa inuu qofku islaam yahay oo haddii aanu qofku islaam ahayn waajib kuma aha soomku, waayo waxa ka horraysa inuu horta qofku islaam noqdo oo uu
ashahaato.
-
Waa inuu qofku qaan-gaadh yahay, haddaanu qofku qaan-gaadh ahayn soomku kumuu
waajibin.
-
Waa inuu qofku soomka karayo oo haddii uu qofku qabo cudur aan la rajaynayn inuu ka bogsado ama uu yahay qof aad u da’ weyn soomku waajib kuma aha, balse waxaa ku waajibaysa kafaara-gud ah in ay afuriyaan qof
sooman.
3. shuruudaha ansax ka dhigaya in la soomo oo kala ah;
-
waa inuu qofka caqligiisu fayow yahay ama uu wax kala
garanayo.
-
Waa inay haweenaydu ka nadiif tahay dhiiga caadada ah, mana soomayso ilaa ay nadiif
noqoto.
4. waxyaabaha laga doonayo qofka soomaya
waxyaabaha looga baahan yahay qofka soomaya waxaa ka mid ah;
1. inuu qofku niyoodo soomka oo haddii uu niyoodo inuu bisha ramadaan oo dhan soomo waa
sax, haddii uu habeen kasta niyoodana waa sax, in afka laga yidhaahdana shardi ma aha ee waa niyad ku qabasho, niyadduna waa ta kala saarta cibaadada iyo caadada oo haddii si caadiya cuntada aad isaga dayso iyo haddii aad Ilaahay dartii u daysay waxaa kala saaraysa
niyaddaada.
2. suxuurta:
qofka soomayaa waa inuu suxuurto, taas oo ah sune adag isaga oo nebigu c.s.w yidhi; "Suxuurta, waayo, suxuurta waxaa ku jirta barako." Sidaa daraadeed waa in lagu dedaalaa suxuurta, waxaana fadli badan in dib loo dhigo oo lagu dhaweeyo eedaanka salaada
subax.
3. afurka
waa in qofka soomani afuro marka ay gaadho xilliga ay cad-cadeedu dhacdo, waxana fadli badan in afurka la de-dejiyo oo aan dib loo dhigin marka uu gaadho. Waxaana sune ah in ducada la badiyo marka la
afurayo.
4. in la iska ilaaliyo waxyaabaha soomka jebinaya oo kala ah;
-
cuntada iyo cabista oo haddii uu qofku wax cuno ama uu u cabo si ukas ah soomku wuu ka jabayaa, haddiise uu ilowsan yahay kama jabayo ee marka uu xasuusto ayuun buu
joojinayaa.
-
Galmada, haddii uu qofku galmoodo maalintii soomku wuu ka jabayaa, waxaana fuulaya ganaax culus oo kala ah; inaanu waxba cunin inta u hadhsan maalintaa, inuu Ilaahay u toobad keeno, inuu qaleeyo maalintaa uu galmooday, iyo inuu bixiyo kafaara-gud kala ah; inuu addoon xoreeyo, haddii uu waayo wuxuu soomayaa laba bilood oo isku xiga, haddii uu kari waayo wuxuu cunto siinayaa 60
miskiin.
-
Galmada waxaa la mid ah oo soomka jebinaya ninka oo biyaha (manida) iska keena. Haddiise ay si aan u kas ahayn uga timaado kama
jabayso.
-
Qofka oo ogaan isaga matajiya, haddiise uu si aan ukas ahayn u matago ka jabi
maayo.
-
Haddii uu dumarka ka yimaado dhiiga caadada ahi wuu ka jabayaa soomku.
Lasoco....
Top
Maamulka C/laahi Yuusuf oo xidhay laba nin |
Boosaaso (Al-Sharqul Al-Awsad) - Maamulka Puntland ee C/laahi Yuusuf ayaa xabsiga u taxaabay laba nin oo dhalashadoodu kala tahay Imaaraadka Carabta iyo Ciraaq, iyada oo lagu tuhunsan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin ururka Itixaad Al-Islaami oo ay Maraykanka iyo Itoobiay ku eedeeyaan inuu cilaaqaad la leeyahay ururka Al-Qaacida ee uu hoggaamiyo Usama bin Laden, sidaana waxa qoray wargeyska "Sharqul-Awsad", oo ka soo baxa London toddobaadkan.
Sida uu wargeysku sheegay, labadaa nin oo ay qabteen ciidamada C/laahi Yuusuf waxa loo gudbiyay oo lagu hayaa xabsiga dhexe ee Boosaaso, iyada oo aan ilaa hadda laga soo oogin wax dembi ah oo loo haysto, isla markaana looma oggolaan inay cidi difaacdo.
Labada nin oo aanu wargeysku sheegin magacyadooda waxa uu tilmaamay in uu maamulka C/laahi Yuusuf xakamayn adag ku soo rogay wararkooda, balse waxa uu sheegay in ninka u dhashay imaaraadku uu xidhiidh dhinaca ganacsiga ah muddo dheer la lahaa dad u dhashay Puntland, ninka Ciraaqiga ahina waxa uu madax ka yahay hay’ad samafal oo islaami ah.
Maamulka Puntland ayaa muddaba xakameeyay sida ay dadka hawlaha diintu u geli karaan dhulkooda, iyaga oo ka cabsi qaba inay la galaan arrimo argagixiso.
Top
Halkee laga qaaday hawlgalkii lagu laayay xubnihii Al-qaacida ee Yemen |
Sanca (W.Wararka) - Hawlgalkii ay toddobaadkan ciidamada sirta ee Maraykanka (CIA) ku laayeen xubnaha ka tirsan Al-Qaacida gudaha dalka Yemen, ayaan ilaa hadda loo xaqiijin si taam ah fadhiisinkii ay ciidamadaasi duulaanka ka qaadeen, wakaaladaha wararka ayaana dhacdadan ka soo saaray warar is-khilaafsan oo ku saabsan goobtii duulaanka laga qaaday iyo qaabkii loo fuliyayba.
Wakaaladaha wararka ayaa guud ahaan tuhunkooda u badiyay in hawlgalkaa laga qaaday dalalka Yemen iyo Djibouti oo ay labadaba dhawaan saldhigyo ka samaysteen ciidamada Maraykanku.
Wakaalada wararka ee REUTERS, ayaa iyadu sheegtay markii hawlgalkasi dhacay kadib in Maraykanku uu haatan ku gudojiro dhismaha saldhig miletari oo weyn oo uu ka dhisayo dalka Djibouti, kaas oo ay ujeedadiisa ku tilmaantay mid loogu talogalay in laga fuliyo hawlgallada lagula dagaalamayo, laguna ugaadhsanayo xubnaha Al-Qaacida ee lagu sheegay Geeska Afrika iyo Badda Cas, siiba dhulka ay ku nool yihiin Yemeniyiinta iyo Soomaalida oo ay Maraykanku ku tilmaameen inay ka jiraan goobo badan oo gacan dawladeed aan ku jirin, taas oo ay ka cabsi qabaan inay gabood u noqdaan xubnaha Al-Qaacida, iyada oo wakaaladu hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi; "Dalka Djibouti wuxuu ku yaalaa qarka kale ee Badda Cas ee ka soo horjeeda dalka Yemen ee gudahiisa dhawaan gantaal laga riday diyaarad ay CIA-du leedahay ku dilay lix nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Qaacida."
Inkasta oo ay dawladda Maraykanku sheegtay in ciidamadeeda sirtu ay fuliyeen hawlgalkan, haddana weli mas’uuliyiinta Maraykanku may caddayn halka ay kasoo kacday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee hawlgalka Yemen fulisay.
Balse tibaaxda ay soo saarayaan wakaaladaha wararka qaarkood ayaa sheegay in diyaarada hawlgalkan lagu fuliyay ay ka kacday saldhig Maraykanku ku leeyahay Djibouti oo hadda xarun u ah 800 oo ciidamada Badda iyo Cirka ee Maraykanka.
"Geeska Afrika waxaa ka jira dhulal aan cidi xukumin oo ay argagixisadu isku urursan karaan si ay uga qaadaan duulimaadyo. Sidaa darteed, waxaanu ku amarnay ciidamadayada geyigaas ku sugan inay qaadaan tallaabo kasta oo ku haboon wax ka qabashadooda si ay uga hortagaan argagixisada," sidaa waxa toddobaadkii hore yidhi Abaanduulaha guud ee ciidamada Maraykanka Richard Meyrs, mar uu ka hadlayay hawlgalada ay ciidamada Maraykanku u joogaan Geeska Afrika.
Xukuumadda Cali Cabdalla Saalax ayaa dhinaceeda ka aamustay inay tafaasiil ka bixiso sidii uu u dhacay hawlgalka diyaaraddaasi, balse dadka indha-indheeya xaaladda mandaqaddu waxay tilmaameen inaanu Maraykanka u suurtogasheen inuu hawlgalkan ka fuliyo gudaha dlaka Yemen, haddii aanu hore oggolaansho buuxa uga haysan xukuumadda Cali Cabdalla Saalax.
Top
Hargeysa (Haatuf): Xog-hayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ayaa sheegay inaanay guddiga fulinta UDUB awood u lahayn inay xilka ka qaadaan, isaga oo ka jawaabaya qoraal ay guddiga fulintu u soo gud-biyeen oo ay ku sheegeen inay ka qaadeen xilkii xoghayaha guud ee ururka, wuxuuna Cabdi Aw-Daahir sidaa ku sheegay qoraal jawaab celin ah oo uu shalay soo saaray, iyadoo uu Cabdi Aw-Daahir go’aanka xil-qaadista ee guddiga fulinta ku tilmaamay sharci daro.
Salaasadii doraad ayey guddiga fulinta UDUB soo saareen qoraal ay ku sheegeen inay xilka ka qaadeen xoghayaha guud ee ururkooda, qoraalkaas oo ay gudbiyeen Cabdi Aw-Daahir waxa uu isna ka bixiyey jawaab, taas oo uu qoraalkiisa jawaab-celinta ah ku yidhi "Waan helay qoraalkii aad soo qorteen, waana qoraal sharci daro ah oo aan waafaqsanayn xeerka ururka", wuxuuna intaa ku daray "Xoghayaha guud waxa xilka u dhiibtay shirweynihii ururka, waxaana xilka ka qaadi kara shirweyne kale oo la qabto, meelnaba sharciga kagama jirto hayad kale oo aan shirweynahaa ahayn oo xilka ka qaadi karta xoghayaha guud.
Dhamaan qoddobada aad xusteen ma waafaqsana go’aanka aad gaadheen, mana qumana in xoriyadda siyaasadeed ee ah inaan gudaha ururka iska soo sharaxo ay keento curfi xun oo liita oo aan waafaqsanayn xeerka ururka. Sidaa darteed si hogaanka ururka loo habeeyo waxa loo baahan yahay in la qabto shirweyne aan caadi ahayn si loo dhamaystiro arimahaa'ayuu qoraalkiisa ku soo xidhay Cabdi Aw-Daahir. Hase yeeshee qoraalkan ka hor Arbacadii doraad ayuu Cabdi Aw-Daahir xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo uu ugaga jawaabayo go’aanka ay xubnaha guddiga fulintu ku sheegeen inay xilka ka qaadeen Cabdi Aw-Daahir, iyadoo ay dhinaca kalena guddiga fulintu shirkaa jaraa’id ka dib ku adkaysteen inay xilka ka qaadeen Cabdi Aw-Daahir, laakiin doodaha kul-kulul ee ay is dhaafsadeen labada dhinac (Xoghayaha guud & guddiga fulintu) waxay u muuqatay khilaaf cakiran oo soo food saaray hogaanka sare ee ururka UDUB.
Xoghayaha guud ee UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ka dib markii uu subaxnimadii hore isha ku soo dhuftay jaraa’idka Hargeysa ka soo baxa, kuwaas oo ay bogagooda hore ku xardhanayd guddiga fulinta oo Cabdi Aw-Daahir ka qaaday xilkii xoghayaha guud ee UDUB ayuu si degdeg ah isugu yeedhay ragga wararka faafiya, ka dibna isaga oo cadho daraadeed qowlalada ka xunbaynaya ayuu hadalkiisa ku bilaabay "Waxaan doonayaa arin aan saaka ku arkay jaraa’idka, kaas oo ay xubno guddiga fulinta ahi yidhaahdeen xoghayihii guud baanu xilka ka qaadnay, taasi waa qayral-sharci oo aan waafaqsanayn xeerka ururka", wuxuuna intaa ku daray "Madaxweyne Rayaale waxa lagu doortay distoorka iyo sharciga, markaa ma aha in sharciga la jebiyo."
Hadalada ay go’aankooda ku qoreen xubnaha guddiga fulintu waxa uu ku tilmaamay aflagaado, isla markaana waxa kale oo uu sababta go’aanka guddiga ku tilmaamay mid ka dhashay is-sharaxaadiisa oo keliya, balse eedo kale oo ay guddigu u jeediyeen waxa uu ku tilmaamay waxba kama jiraan. "Hadii aanu nahay labadii xubnood ee ugu sareeyey ururka (Gudoomiyaha & xoghayaha guud) waxa wanaagsan inaanu si dimoqraadiyad ah ugu tartano gudaha ururka, mana ah in madaxtooyada gudaheeda inta loogu yeedho xubna yar oo guddiga fulinta ah xilkii waanu ka qaadnay, iyadoo aanu taa xeerku beenaynayn'ayuu yidhi Cabdi Aw-Daahir, wuxuuna ku adkaystay inaanu ka tanaasulayn musharaxnimadiisa, isla markaana waxa uu golihiisa dhexe ugu baaqay shirweyne aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadaan bishan 15-keeda.
Tan iyo markii uu Cabdi Aw-Daahir ku dhawaaqay inuu musharax yahay waxa gudaha ururka UDUB ka oogsatay xasaasiyad iyo sawaxan siyaasadeed, sidaa darteed waxay taasi sababtay in ciidamo dheeraad ah la keeno xafiiska ururka UDUB ee Hargeysa oo ah xoghayaha guud fadhigiisu yahay, taasna waxa uu Cabdi Aw-Daahir u qaatay in ciidamadaasi yihiin kuwo meesha lagaga tukhaantukhinayo. "Halkan ciidamo ayaa la keenay xalay (Habeenkii Arbacada) ma aha inuu ururku naga noqdo xisbigii Hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed, laakiin anigu waxaan qabaa inuu qof kastaa xaq u leeyahay inuu xisbigan iska sharaxo, xoghayaha guudna sharci daro la igagama qaadi karo, hadii aan ciidamo la adeegsan'ayuu yidhi Cabdi Aw-Daahir, isaga oo ciidamadaa xafiiskiisa la keenay ku tilmaamay kuwo isaga lagu cabudhinayo.
Dood dheer ayey weriyayaashu Cabdi Aw-Daahir la yeesheen, waxayna dhinacyo badan kaga dhufteen su’aalo la xidhiidha sawaxanka ka dhashay is sharaxaadiisa iyo guud ahaan-ba khilaafka siyaasiga ah ee ka dhex-hulaaqmay ururka UDUB gudihiisa, laakiin Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey halka ay ka timi guul-darada siyaasadeed ee waqtigan xaadirka ah soo food saartay ururka UDUB waxa uu ku jawaabay "Waa nasiib daro ka timi xagga gudoomiyaha (Rayaale), laakiin anigu maan jeclayn inay taasi dhacdo". Hase yeeshee Cabdi Aw-Daahir waxa uu u muuqday nin dagaa siyaasadeed oo ururkiisa gudihiisa ah u soo biyeystay. "Xisbinimada UDUB ilaa nafta ugu dambaysta ka tegi maayo, waana iska sharaxayaa, xubnaha UDUB ee maanta aniga I caayayaana waa bah-weyntaydii UDUB oo hadii ay musharaxnimada ku guulaystaana waan dhisayaa, hadii aan ku guulaystana waa bahdaydii UDUB, laakiin waxaan barayaa inaan xisbiga iska soo sharaxayo inuu shirweyne na kala saarayo iyo labadayaduba (Xoghayaha & Gudoomiyaha, Rayaale) aanu xaq u leenahay'ayuu yidhi Cabdi.
"Anigaba dumar kale oo baabuur wata ayaa ii yimi oo yidhi ma ku taageernaa, laakiin waan joojiyey'ayuu Cabdi isaga oo ka jawaabayo sida uu u arko kooxo haweenka UDUB ah oo sheegay inay ka soo horjeedaan musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir, isla markaana ay taageersan yihiin musharaxnimada madaxweyne Daahir Rayaale.
Markii uu Cabdi Aw-Daahir uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax ururka UDUB dad badani waxay iswaydiiyeen tolow Cabdi aw-Daahir muxuu coodaashanayaa mar hadii uu ka horyimi madaxtooyadii uu ururkiisu ku tiirsanaa ama looga talin jirey iyo weliba inta ay le’eg tahay taageerada uu ka haysto ururkiisa UDUB ee uu iska sharaxay, laakiin waxa uu ku dooday inuu taageero shilis ka haysto ururkiisa UDUB, wuxuuna yidhi "Marka uu qabsoomo shirweynuhu bishan 15-keeda ayey kala cadaan doontaa inta ay le’eg tahay taageerada aan xisbigayga ka haystaa, taageeradayduna waxay soo bixi lahayd hadii aanu dagaalka maanta la bilaabay bilaaban, hadii uu wuxu dagaal galona way xumaataa, laakiin hadii la odhan lahaa bal hala eego markaas ayaan wax tusi lahaa, waxaanse leeyahay dagaalka hala joojiyo oo hala eego inta le’eg tahay taageerada aan xisbiga ku leeyahay".
Go’aanka ay xubnaha guddiga fulinta UDUB soo saareen iyo weliba ciidamada dheeraadka ah ee xafiiska UDUB la keenay waxay dad badani u qaateen in Cabdi Aw-Daahir hadii uu ku adkaysto mawqifkiisa ah inaanay guddigaasi awood sharci u lahayn inay xilka ka qaadaan oo uu sii fadhiyo xafiiska qoorta laga soo qaban doono, laakiin Cabdi mar la waydiiyey hadii xafiiska qoorta laga soo qabto sida uu yeeli doono waxa uu ku jawaabay "Dee hadii lay xoogo, afweynaba dadka waa xoogi jiraye, waxa hadhay afka iyo dadka, laakiin waxaan leeyahay waar I daayoo oo sharciga ila eega, hadiisa xoog laygaga saaro meesha oo dagaal la iila yimaado dee is qabsan mayno oo banaankaygaas ayaan is taagayaa, taageerayaashaydana waan leeyahay, waxaana ku doodayaa inaan ahay xoghayihii guud ee sharciga ahaa, waxanina ay sharci daro yihiin".
Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu ku cel-celiyey inuu u arko inuu go’aanka guddiga fulintu ka gaadheen yahay mid salka ku haya curfi siyaasadeed ee aanu marna ahayn mid ku salaysan sharciyadda iyo mabaadi’da dhaqan ee ururkooda, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu ilaa 55% haysto taageerada golaha dhexe ee ururkiisa, isaga oo eedaymo ay xubnaha guddiga fulintu u jeediyeena ku tilmaamay waxba kama jiraan. Hase yeeshee dhinaca kalena xubno ka tirsan guddiga fulinta oo uu budhtuur u yahay Ismaaciil Mire oo ah xoghayaha wacyigelinta ururka UDUB, isla markaana ah mudana ka tirsan aqalka wakiilada ayaa iyaguna shirkaa jaraa’id dood ka celiyey is difaaca xoghayahooda guud, isla markaana jawaabo ka bixiyey su’aalo laga waydiiyey go’aanka ay ka gaadheen Cabdi Aw-Daahr, iyadoo ay weriyayaashu xubnaha guddiga fulinta kula kulmeen qol dhawr talaabo u jira xafiiska xoghayaha guud, waxayna taasi ahayd inaanay labada dhinac is arki karayn, balse ay ahaayeen niman gantaalaha ridadada dhexe isu marinaya atmosfeerka warbaahinta.
Xubnaha guddiga fulintu waxay ku doodeen inay eriga Cabdi Aw-Daahir u cuskadeen xeerka ururkooda, waxayna sheegeen inay si gaar ah ugu cuskadeen qoddobo uu ka mid yahay qoddobka 20aad oo dhigaya "Gefafka xad-gudub qoraal oo xeerka ururka ah, mabaadi’da, iyo go’aamada ururka waxa uu noqon karaa digniin, ganaax ama ururka oo laga eryo, hadii aanay ka hor imanayn xeerka Asxaabta", laakiin doodda kale ee meesha waxay tahay guddiga fulintu awood sharci ma u leeyihiin inay qaadaan talaabada eriga ee xoghayaha guud iyo xubnaha sharciyan u dhigma. "Awoodda aanu ku erinay anshax marinta ayaa noo banaynaysa'ayuu ku jawaabay Ismaaciil Mire, laakiin marka la eego xeerka ururka UDUB qoddobkiisa 13aad, faqradiisa 2aad oo ka hadlaysa awoodaha guddiga fulinta kuma qeexna inay guddiga fulintu awood u leeyihiin inay eryaan xoghayaha guud iyo xubnaha dhigiisa ah iyo sidoo kale inay wax dooran karaan, laakiin Madaxa wacyigelinta UDUB, Ismaaciil Mire mar kasta oo la waydiiyo awoodda iyo qoddobka ay u cuskadaeen eriga Cabdi Aw-Daahir waxa uu ku cel-celiyey inay cuskadeen qoddobada anshaxmarinta. "Anshax-marinta guddiga fulintu xaq bay u leedahay'ayuu yidhi Ismaaciil Mire. Hase yeeshee Ismaaciil Mire iyo ragiisa mar la waydiiyey bal inuu go’aankoodu ka dhashay cadho ay ka cadhoodeen is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir iyo inkale wuxuu ku jawaabay "Dheriga karka waxa ka keenay kulaylka, ururka dhibaato badan ayuu Cabdi Aw-Daahir ku hayey, taas oo ay ugu dambaysay liisaskii musharaxiinta ururka, kuwaas oo uu qortay dad uu isagu doonayey, dadkii xaqa u lahaana ka saaray", laakiin waxa kale oo la waydiiyey sababta ay hore talaabo uga qaadan waayeen hadii aanay arintu ahayn cadho ka dhalatay is sharaxaadiisa waxa uu yidhi "Koobku mar uun buu buuxsamaa, marka uu buuxsamo ayuun baad-na ka hadli kartaa, sidaa darteed liisaskaa ayaa koobkii buuxiyey", laakiin Ismaaciil waxa uu intaa ku daray "Maantana isa soo sharaxaad aanu qaabkii sharciga marin ayuu sameeyey, isa soo sharaxaadiisana waxa oo doonayey inuu ururka khal-khal ku geliyo". Hase yeeshee xeerka ururka UDUB kuma jiro qoddob maanacaya inaanu xoghayaha guud iyo xubnaha kale ee golaha dhexe isa soo sharixi karin, sidaa darteed mar Ismaaciil Su’aal arintaa laga waydiiyey waxa uu kaga jawaabay "Wuu isa soo sharaxi karaa, laakiin mar hadii uu musharax noqday labadii xil ee musharaxnimada iyo xoghayaha guud iskuma hayn karo, sidaa darteed waa inuu xilka xoghayaha guud ka degaa", laakiin xoghayaha guud hadii uu isa soo sharaxo waa inuu xilka dhigaa kuma taal xeerka UDUB, sidaa darteed Ismaaciil Mire mar la waydiiyey halka ay xeerkooda kaga taal inuu xilka xoghayaha guud dhiibo mar hadii uu isa soo sharaxay wuxuu ku jawaabay "Iska daa xeerkayaga ee caqliyadda caadiga ah ayaa sidaa dhigaysa".
Waxa kala af-hayeenka guddiga fulinta Ismaaciil Mire la waydiiyey sababta ciidamada dheeraadka ah loo keenay xarunta UDUB, wuxuuna ku jawaabay "Garabkii haweenka UDUB ee gobolka Hargeysa ka muraaradilaacay musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir ayaa halkan aad ugu soo ururay, dabadeedna markii uu buuqubatay si uu agabka ururku u nabad galo ayaanu anagu nidhi dhawr ciidan ah noo keena", laakiin mar la waydiiyey bal inay ujeedada ciidamada loo keenay tahay in Cabdi Aw-Daahir lagu maquuniyo sida uu isaguba ku andacooday wuxuu Ismaaciil ku jawaabay "Xoog ma jiro ee sharciga ayaanu ku kala baxaynaa". "Ururka isaga (Cabdi) ayaa dhibaato ku ahaa, isagana far iyo suul baanu kaga qaadnay'ayuu intaa ku daray. "Ma jiro wax gaar ah oo aniga (Ismaaciil Mire) iyo Cabdi Aw-Daahir ka dhexeeyaa, laakiin ururka ayaa hawshan ii igmaday'ayuu Ismaaciil Mire ku jawaabay mar la waydiiyey bal inay jirto xurguf gaar ah oo ka dhexaysa isaga iyo Cabdi.
Arimuhu sida aya doonaan ha u dhaceen, laakiin ilaa hadda may soo af-jarmin sheekadu, waxayna u muuqataa inay sii hulaaqantay oo ay arintu noqotay khilaaf cirka isku shareeray iyo xaalad siyaasadeed oo cakiran oo ka dhex-ooggan hogaanka ururka UDUB.
Top
Maayarka Hargeysa oo sheegay inuu ka tanaasulay musharaxnimadii |
Hargeysa (Haatuf): Maayarka Hargeysa, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Dheere) iyo weliba kuxigeenkiisa koowaad, Ibraahin ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay musharaxnimadii golaha degaanka Hargeysa, sidaana waxa uu ku cadeeyey waraysi uu xafiiskiisa ku siiyey niman weriyayaal ah, wuxuuna maayarku sababta ay u tanaasuleen ku tilmaamay, ka dib markii uu soo I baxay wax is dhaaf-dhaafis la xidhiidha qaabka loo maamulay liisaska musharaxiinta golaha degaanka Hargeysa, taas oo uu maayarku tilmaamay in mar dambe si aan la isla ogayn wax looga bedelay qorshihii la isla ogaa ee markii hore loo maamulay liiska xubnaha golaha degaanka Hargeysa.
Maayarka Hargeysa waxa kale oo wax laga waydiiyey arimo kale oo la xidhiidha wax qabadkiisa mudadii uu xilka hayey, isaga oo hadda kursiga maayarnimo ilaa saddex bilood, laakiin ugu horayn isaga oo cadaynaya inuu ka tunaasulay musharaxnimadii wuxuu yidhi "Run ahaantii way jirtay inaan markii hore damcay inaan isu sharaxo doorashada dawladaha hoose, iyadoo ay weliba dad badani I yidhaahdeen meesha isu soo sharax, laakiin maalmihii u dambeeyey ee ay UDUB soo gelaysay waxoogaaga jaho-wareerka ahi ayaan goostay inaan ka tunaasulo musharaxnimada", laakiin isaga oo tilmaamaya sababta ugu tanaasulay wuxuu yidhi "Liisaska golaha degaanka sidii markii hore loo sameeyey iyo sidii la isku ogaa markii aanu aragnay in laga bedelay ayaan go’aansaday inaan ka taanasulo". Hase yeeshee maayarku wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo cidda wax is dhaaf-dhaafisay iyo inta ay mushkiladdu qoto le’eg tahay. Hase yeeshee sida uu maayar-kuba afka ku dhuftay waxa uu mawqifkan cusub ee ay qaateen madaxda dawladda hoose ee Hargeysa raad ku leeyahay khilaafaadka iyo xaaladda murugsan ee waqtigan xaadirka ah soo food saartay urur-siyaasadeedka UDUB oo ah ururka ay maayarka iyo kuxigeenadiisuba iska sharaxeen, taas oo ay wararka khilaafka UDUB la xidhiidhaan sheegeen in meelaha ay sartu ka qudhuntay ay ka mid tahay is maandhaaf ku saabsan xubnaha uu ururkaasi u qoondeeyey inay uga qayb galaan doorashooyinka dawladaha hoose, iyadoo ay wararku leeyihiin waxa uu hogaanka sare ee UDUB si ba’an isugu khilaafay cidda la xulayo, ka dibna waxay taasi keentay in la gud-biyo liisas is khilaafsan ama la isku waafaqsanayn.
Dhinaca kale waxa maayarka Hargeysa wax laga waydiiyey mudadii uu xilka hayey bal waxa u qabsoomay iyo weliba duruufaha ugu waaweyn ee kala kulmay kursiga maayarnimo, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay "Horta maalintii aan xilka la wareegay ballan-qaad maan samayn, waxaanse sheegay cadaaladda shaqaalaha iyo hantida ummadda hadii ay si xun u bixi jirtey inay nabad gasho, isla markaana wixii awoodayadu tahay waanu qabanayn, laakiin dawladda hoose waxa taalay oo aanu ugu nimi dhibaato aad iyo aad u balaadhan", laakiin isaga oo tilmaamaya dhibaatooyinka uu sheegay kuwa ugu darran wuxuu yidhi "Waxaanu u nimi shaqaale bilaa mushahar ah, nadaafadda oo ah waxyaalaha u horeeya ee ay dawladda hoose u xil saaran tahay ma jirin wax gaadiid ah oo lagaga shaqeeyaa iyo mushkiladda ugu daran oo ahayd dhulka oo heerka ay taagan tahay marka la eego noqon karta mushkilad inuu dalkuba ku burburo loogu talo galay". Hase yeeshee maayarku wuxuu sheegay inay ugu horayn maareeyeen mushahar la’aantii shaqaalaha, isla markaana ay dhimeen shaqaalihii xadi dhaafka ahaa. "Shaqaaluhu wixii ay mushar dayn ah dawladda hoose ku lahaayeen markii aanu dhamaynay ayaanu 29-kii bishii Oktoobar ee ina dhaaftay musharkii si toos ah ugu bilownay, sidaa darteed bisha maanta lixda ah mooyee wax mushar ah lagu laha dawladda hoose'ayuu yidhi Axmed-dheere, wuxuuna intaa ku daray inay kordhiyeen tirada baabuurta ka shaqaysa dhinaca nadaafadda, isla markaana waxa uu sheegay inay jiraan baabuur badan oo dayactir la’aan u fadhiday, laakiin hadda ay ku hawlan yihiin dayactirkooda, isaga oo sheegay inay baabuur badan oo nooca FIAT-ka la yidhaahdo u badan dayactir uga dooneen Itoobiya, taas oo sheegay inay alaabtaasi timaado toddobaadka foodda inagu soo haya.
"Kolba ma bir yar baynu meel ku xidhnaa oo aynu dhal-dhaalinaa, mise wax raandhiis leh ayeynu qabanaa oo dalka wax taraya'ayuu yidhi maayarku isaga oo ka jawaabay waxa uu qabtay, wuxuuna sheegay inay daraasad ku sameeyeen baahiyaha ugu darran, taas oo uu sheegay inay hadda gacanta ku hayaan mashaariic ay ka mid yihiin biyo gelin lagu samaynayo xaafadda Kililka 5aad iyo weliba xaafado kale. Sidoo kale waxa uu sheegay inay dhowaan bilaabi doonaan dhismaha saldhig qashinka lagu gubo iyo weliba dhismaha xero-dhiigta oo uu iyana sheegay inay hadda diyaarinayaan mashruucii lagu dhisi lahaa, dhismaheedana la bilaabi doono inta u dhexaysa daba yaaqada sannadkan ilaa bilowga sannadka cusub. Laakiin dhinaca burburka wadooyinka oo ah dhibaatooyinka ugu badan ee magaalada Hargeysa waxa uu maayarku sheegay marka laga reebo dayactir kooban inaanay hadda awooddu u saamaxayn inay dayactir balaadhan ku sameeyaan, wuxuuse ku dooday inay hiyiga ku hayaan sidii mustaqbalka ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada wadooyinka. "Ma jiro wax dakhli ah oo aanu hadda wadooyinka u haynaa ama u awood-naa, laakiiin talada ayey
noogu jirtaa sidii aanu dhaqaale ugu heli lahayn, meel kasta aan wax ka helee'ayuu yidhi maayarku.
"Dhudhubihii hore ee wada xidhnaa waanu wada furnay, haddana ilaa sabtida soo socota waxaanu samaynaynaa kuwo cusub'ayuu yidhi Maayarku. Hase yeeshee inkasta oo uu maayarku sheegay inuu maamulkiisa cusubi dhaqdhaqaaqyo wax qabad sameeyey, isla markaana ay jiraan waxyaalo ay ku talo jiraan, hadana marka la eego baahiyo iyo duruufo baaxad leh ayaa ka muuqda magaalada.
Top
Dhibaatada istaanada Cusub |
Waxa dhowaan istaan cusub laga sameeyey meel u dhexaysa laba iskuulo oo Hargeysa ah, taas oo ay dhibaato weyni ka muuqato.
Istaankiisa waxa uu ku yaal meel u dhexaysa iskuulada Sheekh Baraawe iyo Sh. Bashiir, wuxuuna istaankaasi ku yaal meel is goys ah oo ay dadku, gaar ahaan ardayda labadaa dugsi isaga gud-baan, sidaa darteed marka laga yimaado dhibaatada ay guud ahaan dadka ku hayaan waxa ugu darran qaylada iyo buuqa ay ku hayaan ardayda labadaa iskuulo dhigata, taas oo aad yaabayso guuxa baabuurta iyo sawaxanka ka baxaya dadka baabuurta raacaya iyo kaariyada kiraynaya.
Marka laga yimaado khatarta ay baabuurtaasi ku hayaan ardayda subax walba iyo duhur walba ka gud-baysay isgoyskaa, waxa kale oo ka mid ah dhibaatooyinka istaankaasi soo kordhiyey buuqa ardayda wax ka baranaysa labadaa dugsi, xataa waxaad arkaysaa gabadh yar oo ardayad ah oo boorsadii buugaagtu ugu jirtey ay dacalka haystaan kaariyadu, iyaga oo ku khasbaya inay baabuurka raacdo. Laakiin dhibaatada ugu darrani waxay tahay, iyadoo ay iskuulada dhigtaan caruur yar yari, kuwaas oo maalin walba ku sugan khatar, lagana yaabo inay aakhirka geystaan dhibaato weyn.
Hadaba istaankan waxa laga dhigay meel aan haba yaraatee munaasib ku ahayn, sidaa darteed dawladda hoose ee Hargeysa waa inay dib ugu noqotaa istaanka ay ka dhigtay labada iskuulo dhexdooda, iyadoo hoos loo eegayo dhibaatada ay baabuurta istaankaasi ku hayso ardayda labadaa dugsi dhigata.
Maxamed C. Aadan, Hargeysa
Top
Taliye No: 40.
Taliyahani waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: "Inqilaabkani muu ahayn mid si fiican loogu diyaar garoobay ama looga tabaabushaystay, aniga laf ahaantayduna waxaan aaminsanahay in iyadoo aanay cidiba fashilin uu iskii isaga fashilmay. Tusaale ahaan maalintaa anigu waxaan madaarka ku sii dhowaynayey madaxweynaha, Mingistu, markii aan ka soo noqdayna waxay noqotay xiligii qadada, waxaana qabtay gurigaygii, laakiin wax yar ka dib markii aanu qadaynay oo ahayd qiyaastii ilaa 2:00 gelinka dambe ayaa telefoon lay soo diray, waxaana laygu yidhi sida ugu dhakhsaha badan u kaalay, dabadeedna markii aan aaggii Xafiisyada dawladda tegay waxaan odhan karaa waxay xaaladdu ahayd mid ay wax waliba fashilmeen, waxaase la ii sheegay inay jananadii shirayaan, balse waxaan waydiiyey oo aan ku idhi "Raadyowgii ma la qabsaday", waxaana laygu yidhi maya lama qabsan, madaarkii iyo isgaadhsiintii telefoonada ma qabsadeen ayaan hadana waydiiyey, maya ayaa laygu yidhi, ka dibna waxay sheekadoodu noqotay niman ciyaartii dhalaanka wada, isla markaana waxaan markiiba meelaha muhimka ah u diray ciidamo ilaaliya. Hase yeeshee waxaanu ergo ahaan ugu diray Dabala iyo Adis Tadla anaga oo leh joojiya waxa aad wadaan, laakiin way ka soo ergadii, waxaanse u malaynayaa inaanay ogayn xidhiidhka u dhexeeya, iyaga iyo ciidamada sida uu yahay. Sidaa darteed xataa hadii ay ku guulaysan lahaayeen inqilaabkaa way iska cadayd inaanay dawladoodaasi wax taageero ah hesheen, waayo dhexdooda ayaanu xataa heshiis ka jirin. Tusaale ahaan Maarid Nuguse waxa uu doonayey inuu gudoomiye noqdo, sidoo kale Faanta Balaay isna wuxuu doonayey inuu gudoomiye noqdo.
"Shicibka Itoobiya inta bad weyn dhex-quusay ayey kala firxadeen, 18 sannadood markii aad masuuliyadaada dadkan ku maamushay, adiga oo aan u aabo yeelin aad dabka faraha u gelisay, sidaa awgeed xiligan aynu joogno wax aan dhimasho ahayn ma hayno, waqtigan xaadirka ah inaad iska degto sidii Tedrows mooyee ma jiro dariiq kale oo kuu banaani. Hadii kale Mingistow waxaan kugu ogahay inaad kursiga dushiisa sida caleenta ugu dul Egegto hadii sidaa yeeli waydana taariikhdaa ku xukumi doonta'sidaa waxa yidhi oday geesi ah oo ka hadlay shirkii u dambeeyey ee ay xubnaha wakiilada qoomiyaduhu qabteen..
March 21 1991-kii markii ay taariikhdu ahayd waxa idaacadda laga sheegay ogaysiis dadka ku noqday naxdin iyo lama filaan.
Inkasta oo la ogaa inay soo dhowaadeen ciidamadii Yahaadhiidu, hadana waxa la is lahaa Mingistu Hayla Maryam waxa uu qaadayaa dagaalkii ugu dambeeyey, laakiin Mingistihii odhan jirey "Hadii ay wax waliba suurtoobo waayaan waanu dagaalamaynaa ilaa inta uu nin qudha iyo qori qudhi naga hadhayo ayaa inta uu bastoolad qaatay qun yar baxay. Hase yeeshee waxay iswaydiintu tahay Mingistu sidee buu dalka uga baxay.
Mingistu waxa uu isagu leeyahay "Socdaalkaygu muu ahayn inaan dalka ka baxo iyo inaan soo noqon waayo toona, laakiin hub aanu mar hore soo iibsanay oo aanu is lahayn ka soo dejiya Musawac iyo Qaybaahir ayaa maadaama ay xidhmeen aan is lahaa aad Madaxweyne Moi kala hadashid sidii ay suurta gal u noqon lahayd inaanu hubkaa kala soo degno dekedaha Kenya", laakiin waxay iswaydiintu tahay hadalkaasi intee in le’eg ayuu run yahay iyo weliba bixitaankii Mingistu gacan intee le’eg ayuu Maraykanku ku lahaa. Su’aalahaa iyo kuwo la mid ah marka la soo qaado siyaalo badan ayaa looga faallooday, waqtigaa uu Mingitu baxayna dad badan ayaa hareerihiisa joogay.
Janaraal NO: 20: Waxa naloo sheegay inuu Mingistu kormeer ku tegayo meesha la yidhaahdo Bilaateen, dabadeedna waqti yar gudahood ayaanu ku soo diyaarinay maalin ka hor intaanu tegin wixii qorshahe ahaa ee la xidhiidhay safarkiisa, iyadoo uu nidaamka caynkaas ahi weligiiba jirey, waayo marka naloo sheego inuu meel tegayo muddo yar ayaanu ku soo diyaarin jirey qorshaha tegistiisa.
Waqtigaa ardayda jaamacaduhu waxay ku jireen tababar milateri oo socday muddo saddex bilood ah, wuxuuna Mingistu odhan jirey "Ardayda degdeg haloo tababaro oo hala geeyo goobaha dagaalku ka jiro", laakiin hadalkaa intayada badani waanu ka soo horjeednay oo waxaanu lahayn xataa hadii ay dhacdo in dagaalka laga qayb geliyo waan horta laga hawl geliyaa ilaalinta magaalooyinka iyo hawlaha kale ee fudud, hadalkaa markii aanu nidhi waxa uu Mingistu kaga jawaabay "Iyaga laftooda ayaa go’aaminaya sida ay yeelayaan", laakiin hadalka noocaas ah waxa uu uga jeeday inay furimaha dagaalka tagaan, isaga oo ardayda kulamo la yeeshay, kuna dhiiri geliyey inay ka yeelaan sida uu doonayo oo ah inay tagaan goobaha dagaalka.
Maalintii uu socdaalka la sheegay u bixi lahaa anigu waxaan ka mid ahaa dadkii raaci lahaa, sidaa darteed 7:00 subaxnimo waxaan joogay madaarka, waxa isna sidayda oo kale 7:00 subaxnimo madaarka joogay nin isna ahaa Sarkaal Birigedhiyal Janaraal ah, laakiin waanu sugnay ilaa aanu 11:00 maalinimo gaadhnay, cidna waanu waynay, dabadeedna markii aanu cidna waynay, wax war ahna waynay ayaanu la hadalaya taliyihii joogay meesha la yidhaahdo Belaata, wuxuuna noo sheegay inay diyaaradi dul-martay , laakiin jiidaasi waxay ahayd meel ay awalba diyaaraduhu dul-mari jireen, sidaa awgeed waxaanu diyaaradaa u qaadanay diyaarad kale, dabadeedna waxaanu taliyihii Belaata ku nidhi "Malaa madaxweynihii ayaa habsaamayey iska diyaar ahow ilaa amar dambe aad helayso. Hase yeeshee wax yar ka dib waxa ila soo hadlay taliyaha ciidanka madaxtooyada, wuxuuna igu yidhi "Si degdeg ah u kaalay madaxtooyada", dabadeedna waan cararay, laakiin markii aan madaxtooyadii tegay, saa wax dhaqdhaqaaqayaba ma laha, waxaana madaxtooyadiiba ka jirta aamusnaan aan hore uga jiri jirin, dabadeedna waxaan u maleeyey inuu Mingistu is dilay...
La soco cadadka dambe.
Top
|