Haatuf News
Issue: 200
Date:
Sheeko
R |
uun
Saddexle markii ay fuushay gaadhigii u amba-baxayay degaanka miyi ee uu deggan
yahay walaalkeed Gaas oo ku yaala gudaha dalka Itoobiya, gobolka loo yaqaanay
(Reserve Area) ayay Ruun aad uga fikirtay intii aanu gaadhigu dhaqaaqin dhawr
arrimood oo tan hore tahay ninka doonaya Bilan hadda ma uu u soo geed-fadhiisan
Bilan, oo arrin cad lamuu hor iman reer Gaas ee arrintu waa mid la iska ogaaday
iyada oo aan la isa soo hor-fadhiisan. Ruun way taqaan walaalkeed oo waa nin aan
si fudud looga gar helin, waxay Ruun meesha soo dhigatay in walaalkeed uu
yidhaahdo; “Yaan siiyaa inanta ee I weydiistay.” Dhinaca kale Ruun, waxay
aad uga fikirtay in walaalkeed Gaas aanay ka dhaadhicin Karin sababta ay Bilan
ula doonayso Baxnaan iyo inuu weydiin doono su’aalo badan oo ay ka mid yihiin;
miyaad hore u taqaanay? Reerkooda aqoon ma u leedahay? Haddaad taqaanay muddo
intee le’eg ayaad taqaanay? Jabad ma la degtay? Jadiin ma la cuntay? Jid ma la
martay?
Ruun weydiimahaa ay is weydiisay waxay ku keeneen
inay gaadho go’aan ay dib ugaga tashanayso safarkii ay ugu kicitimaysay
reerkooda deggan miyiga, gaar ahaan walaalkeed Gaas Saddexle, waxaanay goosatay
in ay raashinkii iyo alaabtii ay siday ay ku ballamiso gaadhigii oo ay tidhaa
noolkii raashinku waa kaa ee u gee Gaas Saddexle.
Ruun intii ay ka soo socotay istaankii Baabuurta u
baxda Howda Hargeysa, waxay ku fikirtay in ay baadi-goobto Baxnaan, marka ay
heshana ay tidhaa; haddii aad Bilan doonayso hayntaadu waxay doonto ha ahaatee u
soo geed-fadhiiso. Ruun arrintaa waxaa ka caawiyay markii ay u xog-warantay nin
ay qaraabo yihiin oo la yidhaa Geedi Golroone oo ahaa dilaal xoolaha ka dilaala
sayladda Hargeysa. Geedi muddo dheer ayuu ahaa dilaal u iibiya xoolaha dadka
reer miyiga ah. Muddada dheer wuxuu aqoon u yeeshay dad tiro badan, taasaana u
sahashay in markiiba uu helo sidas loo heli karo Baxnaan Baashe.
Ruun dhaqan ahaan ayay uga baydhay inay aanay iyadu
noqon qofka arrintaa kala xaajoonaya Baxnaan, waxaanay arrintaa inuu ka soo
dhalaalo ku gunaysay Geedi Galroone oo ahaa af-tahan bulshaawi ah oo aan cidna
ka qaloon.
Geedi arrintii wuxuu ugu dhigay si macaan markii uu
la kulmay Baxnaan, waxaanu yidhi; “Baxnaan waxaanu kaa sugaynaa inaad inantii
Bilan nooga soo geed-fadhiisato, ee arrintaadu ma xagga hees-ciyaareedkuunbay
ahayd.”
Baxnaan aad ayay isu yaqaanaan Geedi, in badan ayaanu
Geedi u iibiyay xoolo uu sayladda keenay Baxnaan, markaa aqoontaa hore ee ay isu
lahaayeen ayaa keentay in aanu Baxnaan la waaban aragtida uu arrintaa ka qabo,
waxaanu yidhi; “Geed-fadhiisigu waa gedeenii dhaqan ee aynu weligeenba hablaha
ku kala guursan jirnay, laakiin waxaan is idhi xoolaha reer Baashe malaha
geed-fadhiisiga iyo arrmaha ka dambeeya ee Bilan kuma filna, markaa arrintaas
kama madhni, laakiin waqtigeeda ayaan la sugayaa.”
Geedi si uu u dhiirigeliyo Baxnaan wuxuu ku yidhi;
“Waar reer Saddexle waa reer dun wanaagsan ee xaga xoolaha uun ha ka
xisaabtamin, waxaana la yidhi Geesi Ilaahay ma xilo ee arrinta hore u gal,
barbaartiina intaa way idin waraysanayaan, markii ay maqleen heesaha aad isu
tiriseen adiga iyo Bilan, waxaanay leeyihiin ma is guursadeen.”
Baxnaan hadaladaa dambe ee Geedi Golroone wuxuu u
arkay nasteex, waxaanu yidhi; “Waar Geedi, bal horta iiga warran Bilan, waxaa
la igu yidhi ededeed ayay magaaldan la joogtaa ee ma iska caafimaad qabtaa.”
Geedi ayaa ugu jawaabay; “Anigaa guriga inantaa
ina-Saddexle ee Ruun u hurdo-taga, oo halkaas ayay Bilan joogtaa, maalintii
dhaweyd ee aad damaashaadkii 26-june ka heesaysayna way ku dhegaysanaysay oo
Raadyowgay kaala socotay.”
Baxnaan sheekadaa dambe ee Geedi ayuu aad raali uga
noqday, waxaanu u dalbay shaah Geedi. Baxnaan si uu u dareensiiyo in uu wax ka
ogyahay arrimaha reer Gaas wuxuu yidhi; “Sanadkii yaradka laga keenay inanta
ka weyn Bilan ee Dhudi ayaanu isku reer ahayn reer Gaas, markaa lixdan halaad oo
yarad ah ayaa laga keenay, anaga Geelayaga reer Baashe oo dhamina waa 25 halaad,
markaa Geedi bal xagaa ka eeg arrinta aad I ledahay soo dedeji.”
Geedi oo ka dheregsan waxa jira ayaa yidhi; “Waar
Baxnaanow xoolaha yahuunta qofka ayaa ka wanaagsan, markaa aniga waxay ila tahay
in aan arrimuhu sidaa isugu xidhnayn.”
Geedi isaga oo tusaalaynaya Baxnaan ayuu yidhi;
“Xaaskayga hooyadeed waxaa waagii la guursaday yaradkii laga bixiyay ahaa 100
halaad, qori iyo baar-qabkii oo dheeraa, inanteedan shanta carruura ii lehna,
halna kamaan bixin, xumaana ma aha ee waa haynta, sidaas ayaanay noogu
duceeyaan, markaa Dhudi ayaa 60 halaad oo yarad ah laga bixiyay maaha arrin ee
adigu Baxnaanow yuhuuntii la kaalay.” Waayahay iyo waa sidaa ayay sheekadii
Baxaan iyo Geedi Galroone ku soo gebogebowday.
Baxnaan waxaa gashay yididiilo, waxaanu goostay inuu
ku noqdo reerkoodii, si ay aabihii Baashe uga wadatashadaan sidii uu arrinta
Bilan-Baxnaan u geli lahaa. Baxnaan Baashe waa nin aad ugu adag xoolaha, waxaanu
og yahay Baxnaan inaanay uga suurtogalayn inuu ka bixiyo yarad, wuxuuse ku
tashaday in yaradku ha joogee marka hore uu ku qanciyo aabihii u geed-fadhiisiga
Bilan.
Ruun waxay u sheegtay inantay ededa u tahay in
Baxnaan u geed-fadhiisan doono Bilan, arrintan oo keentay inay niyadu u degto.
Bilan waxay aragtay ina-abtideed Salma oo warqad
qoranaysa, waxaanay tidhi; “Ina’abti, haddii aan baran lahaa sida wax loo
qoro sow warqadaha maan qorteen.”
Salma ayaa tusaalaysay Bilan in haddaba ay waxbaran
karto Bilan, haddii ay u diyaar tahay, maalmo ayaanay Salmi guriga wax ugu
dhigtay, kadibna waxay geysay waxbarashada dadban ee dadka waaweyn.
Bilan waxay ku fikiraysaa haddii ay wax qori
garanayso inay waraaqo u diri lahayd Baxnaan, waraaqahaas oo ay ku kala bogan
lahaayeen. Bilan kama xishooto in ay ereyada loo soo dhigo weydiiso Salma oo ay
tidhaa taasi maxay ahayd. Salmi way ku bogaadisay Bilan sida ay ugu dhiirantahay
in ay waxbarato iyo sida ay u hayso dariiqa dhiirigeliya aqoon-korodhsiga ee ah
su’aal iyo jawaab. Bilan waxay ag-fadhiisataa Salma marka ay wax akhrisanayso,
waxaanay dareentaa sida ay u kala duwan yihiin nolosha hablaha ku nool
magaalooyinka iyo kuwa ku nool dhulka miyiga ah. Bilan waxay rumaysan tahay in
aan hablaha magaaladu aanay qaban hawlo ad-adag sida ka jirta miyiga.
Kooxaha
kubadda cagta ee ingiriiska
Kooxaha kubadda cagta ee Ingiriiska iyo xidhiidhada
ka hawlgala ciyaarha kubadda cagta ee Ingiriiska ayaa abaabulaya sidii ay si
sharciga waafaqsan ugu daadifayn lahaayeen sharci ay hay’adda FIFA u dejisayla
kala wareega ciyaartoyga oo loo yaqaan (Transfer Window System), xeerkaas oo
fasaxaya in lala kala wareegi karo ciyaartoyga caalamiga ah ee u ciyaara
naadiyada kubadda cagta oo laba xilli loo qorsheeyay, kalana ah; bisha January
iyo xilliga kale oo ah inta u dhaxaysa May ilaa 31 August, xeerkan oo la
dhaqangeliyay March.
Naadiyada kubadda cagta ee Ingiriiska, xidhiidhka
mihiinadda kubadda cagta (Professional Footballers Association [PFA]),
xidhiidhka kubadda cagta ee FA, tartanka horyaalka iyo koobka kubadda cagta,
dhammaan qabanqaabiyeyaashooda Ingiriisku waxay rumaysan yihiin in xeerkaas lagu
koobo ciyaartoyga caalamiga ah ee u kala wareegaya naadiyada laba dal, laakiin
aan lagu isticmaalin ciyaartoyga u kala wareegaya laba naadi oo isku dal ah.
Guddoomiyaha PFA, Gordon Taylor, ayaa sheegay in ay
ka hortegi doonaan xeerka FIFA ee aan xadaysnayn ee ku saabsan lakala wareega
ciyaartoyga.
Warar ayaa sheegaya in horeba ay dhibaato dhaqaale
ula soo deristay naadiyada kubadda cagta oo ay kaga timid dhinaca TV-yada,
lacagta aadka u badan ee ay ku bixiyeen mushaharka ciyaartoyga iyo xeerkan ay
hadda dooda ka keeneen ee Window Transfer System.
Naadiyada
kubadda ayuu xeerkan FIFA ka qaadayaa awoodii ay ku iibin jireen ciyaartoyga u
ciyaara ee ay kaga iibin jireen naadi kale, xilligaa go’an ee loo fasaxay
marka laga reebo.
Dhalashada Nabi Muxammad (SCW)
N |
abi
Muxammad SCW wuxuu dhashay subax isniin ah, oo bisha Rabiicul Awal ay tahay 12,
lana mid ahayd 20 Agosto 570 ee sanadka miilaadiga. Sanadkaas wuxuu ahaa Caamul
fiil ama sandkii maroodiga. Wali tan iyo maanta, dadka Makkah deggan way
booqdaan meeshii uu ku dhashay SCW. Waxaa kaleetoo la yiri wuxuu dhashay SCW 9
bisha Rabiicul Awal ee ku beegan bisha apriile ee sanadka 571. Allaana u cilmi
leh.
Barta
uu ku dhashay waxay ku taal meesha hadda la yiraahdo Suuqullayl, ama suuqa
habeenkii, xerada kaddib loo bixiyay "Xerada Muxammad bin Yuusuf Al
Thaqafi": xero waa tiro guryo ah oo hal dayr wadaaga, taasoo afka carabiga
Daar lagu yiraahdo.Muxammad Yuusuf Al Thaqafi wuxuu la dhashay ninkii caanka
ahaa ee magaciisu ahaa Al Xajjaaj bin Yuusuf. Muxammad bin Yuusuf ayaa gurigii
Nabiga SCW uu ku dhashay xerada soo geliyay, kaddibna waxaa isla xeradaas ka
saartay haweeney la
Xeradaas waxaa hore u lahaan jiray Caqiil bin Abii
Dhaalib,
Hooyadiis waxay sheegtay inayan wax dhib ah ayna
uurkiisa kala kulmin, sida haweenka kale, sida culays, jamasho oo ah wax gooni
ah oo la jeclaado iyo wax kaleetaba. Markay dhashay, waxay hooyadiis cid u
dirtay awoowihiis Cabdul Mudhalib, kaasoo fariintii ay gaartay asagoo Kacbada ku
dawaafaya. Markaas ayuu Aamina u yimid, markaasay ku tiri: "Abal Xaarisow,
waxaa kuu dhashay wiil yaab leh". Awoowihiis intuu naxay oo cabsaday, ayuu
wuxuu yiri: "miyuusan qof siman oo kaamil ah ahayn?" Waxay tiri:
"Haa, waa qof siman oo kaamil ah, laakiin wuxuu soo baxay asagoo sujuudsan;
markaas kaddibna madaxiisii iyo laba farood ayuu kor iyo samada u qaaday."
Kaddibna wiilkii ayay qolkii ka soo bixisay, oo awoowihiis u keentay.
Awoowihiis, markii loo dhiibay wuu fiiriyay, kaddibna intuu qaaday ayuu Kacbada
la galay. Markaas ayuu Ilaahay u weydiiyay inuu magangeliyo, kaddibna wuu u
duceeyay. Kaddibna intuu Kacbada kala soo baxay, ayuu hooyadiis u celiyay.
Awoowihiis ayaa Muxammad u bixiyey, waxaana Cabdul Mudhalib la weydiiyay sababta
uu magacaas ugu bixiyay aan ka mid ahayn magacda awoowayaalkiis, wuxuuna ku
jawaabay inuu magacaas ugu bixiyay, asagoo rajaynaya inay dadka adduunka oo dhan
ay xamdiyaan oo ku mahdiyaan. Muxammad macnihiisu waxaa weeye: kii lagu
xamdiyay, ee la mahdiyay.
Sanadkaas uu calool galay Rasuulkii Ilaahay SCW oo ay
hooyadiis caloosha ku siday, wuxuu noqday sanad iridihii khayrku furmeen oo
farax badan. Sanadkaas intii ka horreysay, Qureysh waxay ku jirtay ciriiri weyn
iyo abaar. Markaas ayaa dhulkii cagaartay oo geedihii miro dhaliyeen, oo
sanadkaas wuxuu noqday sanad barwaaqo.
Waxyaalihii la yaabka lahaa oo dhacay markuu dhashay
SCW waxaa ka mid ahaa oo la wariyay, in uu Qasrigii Boqortooyada ee Kisraa (Waa
Dalka maanta Iran la yiraahdo) uu gariiray, oo uu ruxmay, ayna ka burbureen 14
dariishadood oo kuwa irdaha leh ah (afka ingiriiskana lagu yiraahdo balcony).
Burburka dariishadahaas wuxuu ishaarayey, ayaa la yiri, inayan Boqorradoodii
dhiigyacabka iyo keligood taliyayaalka ahaa ee Boqortooyadaas ay ka hareen,
haddii markaas laga bilaabo, 14 Boqor oo xukunka isaga dambayneysa, kaddibna
taliskoodu uu dhammaan doono, oo uu go'i doono: toban Boqor waxay xukunka isaga
dambeeyeen, oo wada dhinteen, muddo afar sano ah gudohooda. Afarna waxay
dhinteen inta waqtigaas iyo Zamankii Khilaafada Cusmaan bin Caffaan, Allaha
raalli ka noqdee, u dhexeysay, markaas oo Boqortooyadoodii ay dhammaatay.
Waxaa kaloo ka mid ahaa
dhacdooyinkii ku beegmay dhalashada Nabi Muxammad SCW inay gurtay oo qallashay
Badyaradii (afka ingiriiska waa lake) Dhabriyah, ee ku tiil Falastiin.
Gudhiddaasu waxay ishaareysay in dadka dalkaas deggan ay la kulmi doonaan
dhibaato wayn. Dhacdo kale ee sanadkaas dhacday waxay ahayd inuu damay dabkii
Faaris (Waa dalka
Waxaa sanadkaas la badiyay Malaa'igtii samada ilaalin
jirtay, waxaana lagu kordhiyay dab lagu gano shaydhaankii usoo dhowaada, si uu
khabarka samada wax uga maqlo. Shayaadiintii waxaa laga reebay maqalka akhbaarta
Samada, waxaana laga qaaday fariisimihii ay Samada ku lahaan jireen, oo ay kala
socon jireen akhbaarta Samada. Waxaa kaleeto la sheegay inuu waqtigaas dhacay
dhulgariir adduunyada oo dhan saameeyey, sida uu Al Yacquub kitaabkiisa
taarikhda ku sheegay.
Waxaa la sheegay in Amiirkii Mu'miniinta oo la
La soco………..
Bulshada reer Somaliland ayaa hig-sanaysa horumar iyo
badhaadhe ay ku kas-badeen muddo yar, taasoo dad-badan la noqotay riyo iyo
sheeko baralay, marka la yidhaahdo Somaliya waa la heshiisiin kari la'yahay oo
14 shir ayaa loo qabtay, waana kaa kii 15-aad Eldoret/Kenya ka socda, ee hadana
dhanka kale dhegtu maqasho Somaliland oo gooni ula noqotay qaranimadeedii ayaa
gaadhay heer loo kala tartamo ururo ku salaysan nidaamka doorashada xorta ah,
waa kaaf iyo kala dheeri. Balse aan u soo noqdo dedaalka intaa le'egi halka uu
ka yimi. Bulshada reer
Intii ka danbaysay ku dhowaaqistii, dib ula soo
noqoshada
Habka ay doonayaan inay wax ku hoggaamiyaan waa
xisbiyada badan. Xisbiyadaasoo ku kala aroora fikrado
kala duwan, bal-hadaba xisbiyada aqoonyahanka reer somaliland halkeebay ku
arooraan.
A) Hantiwadaagga (casriga ah)
B) Hantigoosi
C) Dhexdhexaad
Haddaan si kale u dhigo ma xisbiyada lagu magacaabo
garabka bidix iyo garabka midig ayaa
GUUBAABO.
Doorashooyinkii way soo dhowaadeen, waana markii ugu
horeysay ee ay dalka ka dhacdo doorasho noocan oo kale ahi, taxadar dheeraada
ayay u baahan tahay, dedaal dheeraada ayay u baahan tahay, dulqaad weyni ayaa
loo baahan yahay, waana hawl u taala xisbiyada oo dhan, waxayse mas'uuliyad gaar
ahi saarantahay xukuumadda maanta jirta. Ururkii laga helo ee aan ku qanacsanayn
habkay doorashadu u dhacday, waxaan kula talin lahaa ama ku guubaabin lahaa
dulqaado, oo samir, hadalka aad hadashaa wuxuu keeni karaa burbur iyo kala
daadasho, xil-baad siddaaye, ee xaynka giijiso, oo kal-danbaad heliye, walaaloow
maatida hakala qubin.
Sayid M Yusuf(Dhegey)
H |
argeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa
shalay xil ka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey 9 ka mid ah
golahiisa wasiirada, waxaana sidaa shaaca ka qaaday war-saxaafadeed uu soo
saaray af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale.
Saddex ka mid ah
golaha wasiirada ayaa xilka laga qaaday, waxayna kala yihiin: Wasiirkii
qorshaynta Axmed Xasan Caafi, wasiirkii Dhalinyarada iyo ciyaaraha, Maxamed
Faarax Maxamuud (Jaah-weyn) iyo wasiirkii cadaaladda, C/xamiid Garaad Jaamac,
laakiin saddex nin oo cusub ayaa loo magacaabay saddexdaa wasaaradood, waxaana
wasiirka cusub ee wasaaradda qorshaynta laga dhigay Axmed X. Daahir Cilmi, sidoo
kale wasiirka cusub ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha waxa laga dhigay,
Maxamuud Siciid Maxamed iyo wasaaradda cadaaladda oo loo magacaabay Axmed Xasan
Cali-libaax (Casoowe).
Wasiirkii
wasaaradda arimaha gudaha, C/laahi Cumar Cige ayaa isna laga bedelay jagadaa,
waxaana laga dhigay wasiirka cusub ee wasaaradda Boosaha, isla markaana waxa
wasaaradda arimaha gudaha wasiir looga dhigay, Ismaaciil Aadan Cismaan. Sidoo
kale wasiirkuxigeenkii wasaaradda arimaha gudaha, Cabdi Cali Mahdi ayaa laga
bedelay jagadii uu hore u hayey, waxaana laga dhigay wasiir kuxigeenka
wasaaradda maaliyadda.
Isbedelkan uu
madaxweyne Rayaale ku sameeyey golihiisa wasiirada waxa uu noqonayaa kii ugu
qarada roonaa ee uu ku sameeyo, waxaase la filayaa inuu mar kale qaado talaabo
caynkaas oo kale ah.
Saddexda wasiir ee
uu madaxweyne Rayaale xilalka ka qaaday waxa uu mid walba ku bedelay nin ay
dhalasho ahaan isku degaan yihiin. Tusaale ahaan wasiirkii dhalinyarada iyo
ciyaaraha Maxamed Faarax Maxamuud (Jaah-weyn) waxa uu dhalasho ahaan ka soo
jeedaa degaanka Dhahar, waxaana lagu bedelay nin isna ka soo jeeda isla
degaankaa, sidoo kale wasiirkii cadaaladda, C/xamiid Garaad Jaamac waxa uu
dhalasho ahaan ka soo jeedaa gobolka Sool, waxaana lagu bedelay nin isna ka soo
jeeda isla degaankaa oo ay weliba isku ardaa hoose yihiin iyo wasiirkii
qorshaynta Axmed xasan Caafi oo ka soo jeeda gobolka Awdal waxa lagu bedelay nin
isna ka soo jeeda isla degaankaa, laakiin labada wasiir ee arimaha gudaha iyo
Boosaha (Ismaaciil Aadan Cismaan & C/laahi Cumar Cige) waxay labaduba
dhalasho ahaan isku yihiin jilib hoose oo degaanka gobolka Hargeysa ah.
War-saxaafadeedku
tafaasiil kama bixin sababta keebtay isbedelkan cusub, hase yeeshee waxa la
tuhunsan yahay inay talaabadan soo dedejisay jawiga siyaasadeed ee waqtigan
xaadirka ah soo waajahday urur-siyaasadeedka uu gudoomiyaha ka yahay madaxweyne
Daahir Rayaale ee UDUB, taas oo uu ururkaa hadda soo food saaray khilaaf
murugsan oo siyaasadeed, ka dib markii uu xoghayaha guud ee UDUB, Cabdi
Aw-Daahir toddobaad ka hor daboolka ka qaaday inuu u taagan yahay
madaxweynenimada dalka, kana sharaxan yahay ururka UDUB, taasina waxay kabriid
ku qabatay khilaaf huursanaa oo inmuddo ahba lagu xamanayey ururka UDUB inuu
dhexyaalay.
H |
argeysa (Haatuf): “Waar
I sii daa anigu iskuulo baan ku socdaaye”sidaa waxa tidhi gabadh yar oo
ardayayad ah oo dhigata dugsiga Sh.Bashiir ee magaalada Hargeysa, waxayna intaa
ku dartay “Subax kasta dhibaatadaas ayaa na haysata, maxaa baabuurtan meesha
lagala soo doonay ma meel kale ayaa loo waayey, ilayn waxa kuugu darran Kaari
maalin walba faraqa ha ku haysto”. Arintaasi waxay subax walba ka taagan tahay
istaan cusub ooo baabuurta ah oo ay dawladda hoose ee Hargeysa dhowaan ka
samaysay meel u dhow dugsiga la yidhaahdo SH. Baraawe oo ah meel dhinaca
waqooyin kaga soo jeedda isgoyska Baar Ubax, laakiin istaankaasi waxa uu ku yaal
meel saddex iskuul u dhexaysa, kuwaas oo kala ah: Sh. Bashiir, SH. Baraawe iyo
Madarasada C/laahi Muuse, laakiin arinta ugu darrani waxay tahay iyadoo uu
istaankaasi ku yaal albaabka dugsiga SH. Baraawe, dhinaca kalena waxa uu
istaankaasi ku yaal meel isgoys ah oo ay iskaga darsamaan ilaa afar wado, sidaa
darteed waxaad goor walba arkaysaa baabuur gafuurka iskula jirta oo wax kala
haga wayday. Hase yeeshee dhibaatooyinka ugu muhimsan ee ay baabuurtaasi dadka
ku hayaan waxa ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiga Sh.Baraawe, halkaas oo ay
kaariyada baabuurta karinaya qayladooda iyo sawaxankoodu daaqadaha ugu soo
gelayo ardayda fasalada ku jirta. Sidoo kale waxaad subaxa iyo xiliga rawaxaadda
arkaysaa gabdho arday ah oo uu nin kaari ahi lig-ligga haysto oo ay ku murmayaan
baabuurkan soo fuul iyo meelna uma socda.
Waxa kale oo iyana
khatarteeda leh caruurta yar yar oo iskuulada jiiddaa ku yaal oo halis u ah
baabuurta meesha is baacsanaysa. Sidaa awgeed dawladda hoose waa inay dib u
eegto istaanka ay ka samaysay albaabka dugsiga SH.Baraawe, iyadoo dareen
naxariis leh lagu milicsanayo dhibaatada ay baabuurtaasi ku hayso ardayda wax ka
barata Dugsiyada halkaa ku yaal oo ay tiradoodu gaadhaysa boqolaal arday, taas
oo runtii ay dhibaato weyn ku tahay goob waxbarasho hoonka iyo guuxa baabuurta
iyo weliba sawaxanka iyo qaylada kaariyada iyo dadka rakaabka ah ee hoganaya
istaankaa, waana goobaha ay tahay in laga mam-nuuco sanqadh noocaas ah, sida:
Cusbataalada, Dugsiyada iyo goobaha kale ee aan xamili karin qaylada noocaas ah.
Laakiin waa arin daymo weyn leh suryo ay boqolaal arday ahi ka soo dareerayaan
ama ka rawaxayaan in laga dhigo istaan ay baabuurtu dhinac walba u
galaa-baxayaan labada gelin-ba, run ahaantiina arintaasi waa mid uu werwerkeedu
si weyn ugu muuqdo dadweynaha magaalada ku dhaqan, waxayna dad badanina
iswaydiinayaan, tolow goorma ayey keeni doontaa khasaare laga naxo. Ilaahay
inaguma keenee, Hase yeeshee waxay u baahan tahay in laga hortago, waxna laga
qabto inta ay goori goor tahay.
G |
ar-adag (Haatuf): Mudaharaad balaadhan oo ay ka qayb qaateen dadweynaha
ku dhaqan degmada Gar-adag ayaa dorraad ka dhacay magaalada Gar-adag, waxaana
mudaharaadkaa oo socday in muddo ah ay dadkaasi ku muujinayeen sida ay uga soo
horjeedaan isbedel lagu sameeyey xuduudaha degmadaa, taas oo ay dhowaan ku
talaabsadeen saraakiil ka tirsan wasaaradda daakhiliga oo dhowaan socdaal
hawleed ku tegay degaamada Ceel-Afweyn iyo Gar-adag, waxayna odayaasha degaanka
Gar-adag sheegeen in 60% dhulkii degmada Gar-adag xukumi jirtey lagu wareejiyey
degmooyinka kale oo kala ah: Ceel-Afweyn, Caynabo iyo Xudun.
Sida ay noo xaqiijiyeen dad kala duduwan oo aanu isgaadhsiinta fooniyaha
kula xidhiidhnay iyaga oo jooga magaalada Gar-adag waxay dadweynaha reer
Gar-adag cabasho weyn ka muujiyeen sida loo maamulay xuduudaha degmadooda, taas
oo ay ku tilmaameen iska horkeen laga shaqeeyey, iyaga oo si gaar ah carrabka
ugu dhuftay wasiirka warfaafinta xukuumadda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed
Ducaale oo hadda socdaal hawleed ku jooga gobolka Sanaag, kaas oo ku tilmaameen
inuu qayb ku leeyahay sida loo maamulay xuduudaha degmada Gar-adag.
Lix ka mid ah tuulooyinka looga talin jirey degmada Gar-adag ayaa hadda
laga gooyey sida ay sheegeen odayaasha nala soo xidhiidhay, iyadoo ay weliba taa
noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka degmada Gar-adag. “Sagaal tuulo oo ay
degmada Gar-adag xukumi jirtey oo ay hadda maamul ahaan gacanta ku haysay oo ay
cashuuraheedu yaaleen ayaa saddex keliya laga soo reebay, intii kalena la yidhi
waanu ka goynay”ayey yidhaahdeen reer Gar-adag, waxayna intaa ku dareen
“Tuulo 12Km u jirta Gar-adag ayaa laga gooyey, waxaana la raaciyey degmo u
jirta 80KM, sida wax loo maamulayna waa si ka fog cadaaladda, waana ujeeddo
siyaasadeed oo faashil ah, isla markaana waa gef oo loo geystay Jograafigii
degmada”.
“Wasiir dal dumis ah dooni mayno” ayaa ka mid ahaa halku-dhegyada ay
dadka mudaharaadayey ku dhawaaqayeen, waxayna golayaasha dawladda iyo
madaxweynaha
Odayaasha nala soo xidhiidhay waxa ka mid ahaa: Cumar Nuur Warsame,
Axmed Cilmi Maxamuud, Aadan Ciise, Cabdi Axmed, Xirsi Diiriye Cali, C/laahi
Xaaji Xirsi, Khaliif Ducaale Xiirey iyo qaar kale. Sidoo kale waxaanu la
xidhiidhnay xoghayaha degmada Gar-adag Nuur cashuur Cawed, waxaanuna wax ka
waydiinay bal sida ay wax uga jiraan cabashada dhinaca xuduudda ee ay dadweynaha
reer Gar-adag ka mudaharaadeen, taas oo uu noo xaqiijiyey in degmooyin hore uga
tirsanaan jirey degmada Gar-adag la raaciyey degmooyinka hareeraha ka xiga,
wuxuuna xoghayuhu sheegay in degmada Gar-adag loo soo reebay saddex tuulo oo
keliya.
Sida la sheegay shirka lagu saanyey xuduudaha degmada Gar-adag waxa uu
ka dhacay degmada Ceel-Afweyn, shirkaasna waxa halkaa ku yeeshay wefti
agaasimayaal ah oo ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha, laakiin sida ay wararku
sheegeen wasiirka warfaafinta oo dhalasho ka soo jeeda degaanka Ceel-Afweyn ayaa
isna la sheegay inuu wax ku lahaa gudoonka shirkaa.
“Sagaal goobood
(Tuulo) oo ay degmada leedahay oo ay cashuuruhu u yaaliin, isla markaana
maamulku uga dhisan yahay ayaa lix ka mid ah la yidhi waa laga gooyey, waxaana
Gar-adag lagu soo reebay saddex tuulo oo keliya”ayuu yidhi xoghayaha Gar-adag,
laakiin isaga oo tilmaamaya saddexda tuulo ee lagu soo reebay Gar-adag kuwa ay
yihiin wuxuu yidhi “Saddexda lagu soo reebay Gar-adag tusaale ahaan mid ka mid
ah oo ah Faraguul waxay u jirtaa 20KM iyo Fadhigaab oo u jirta dhawr iyo
labaatan KM, tuulooyinka laga qaadayna waxay mid ka mid ah oo ah Dhanaano waxay
u jirtaa 28KM, meesha la raaciyey oo ah Caynaba waxay u jirtaa 180KM”.
Taliye
NO:8:
T |
aliyahani waxa uu
hadalkiisa ku bilaabay:
“Dhamaadkii
1977-kii golaha Dhergigu waxa dalalka Qaaradda Afrika u kala diray wufuud,
kuwaas oo la doonayey inay tawradda Itoobiya dalalkaa soo fahamsiiyaan, waxaana
wefuuddaa kala hogaaminayey rag ka tirsan golaha Dhergiga. Hase yeeshee raggaa
wufuudda hogaaminayey intooda badani kuma ay hadli karayn luuqadaha Ingiriisada
iyo Faransiiska ee lagaga hadlo dalalka Afrika, sidaa darteed wufuudda waxa la
socday niman turjumaano ah.
Anigu waxaana ka
mid ahaa nimanka turjumaanada ah, waxaana raacay wefti qabtay dalalka galbeedku
Afrika, laakiin kooxda weftiga ah ee aan raacay ka mid ahaa laba nin oo la kala
odhan jirey Mulgeeta iyo Wandi Wasaana Haylu, waxayna ka tirsanaayeen golaha
Dhergiga, hase yeeshee waxa weftiga hogaaminayey nin la yidhaahdo Dabala Dinsa,
laakiin ninka weftiga hogaaminayey Dabala Dinsa maalintaa ayaa iigu horaysay
araggiisa, laakiin intii aanu I arag ka hor ayuu warkayga sii hayey, wuxuuna
hayey magacayga iyo meesha aan ka shaqeeyo iyo weliba sooyaalkayga taariikheed
(Back Ground), wuxuuna ahaa nin dhaqan u leh inuu cid kasta oo la shaqaysa
ogaado sooyaalkiisa taariikheed iyo inuu xataa waydiiyo qoyskiisa iyo
caruurtiisa dabeecadda noocaas ahna aad baa loogu jeclaaday.
Dabala
Dinsa wuxuu ahaa nin aad u indheer garad ah oo fahamsan ama garanaya waxa uu
doonayo, isla markaana waxa uu ahaa nin ay wejigiisa ka muuqato firfircooni iyo
debecsanaan naxariis leh, wuxuuna ahaa nin jago sare ka haya dawladda.
Wadamada aanu
tegaynay waxa ka mid ahaa Nayjeeriya, Beniin, Togo, Ruwanda iyo dalal kale,
waxaanuna Sidney fariin uu noo soo dhiibay Janaraal Tafare Baande, sidaa awgeed
markii aanu gaadhnay caasimadda dalka Beniin ee Kotonu oo aanu galay goor habeen
ah, dabadeedna wax hawl ah maanu qaban ee nin waliba sariirtiisii huteelka ayuu
seexday.
Dabala Dinsa oo
idaacad dhegaysanayey ayaa yidhi “Waxaan u malaynayaa in Adis-ababa inqilaab
lagu sameeyey sidaana uu Raadyowga lahaa”, laakiin markii aanu Adis-ababa ka
tegaynay jawiga siyaasaddu muu wanaagsanayn, waxaana jirey warar sheegayay inuu
kala qaybsan ka jiro xubnaha golaha Dhergiga dhexdooda, kala qaybsanaantaasina
ay salka ku hayso loollan dhinaca kuraasta ah, balse intayada badani kamaanu
dheregsanayn sida ay xaaladdu tahay, waxaanse u malaynayaa inuu Wandasan Haylu
oo weftigayaga ka mid ahaa nagu dhaamay wararka ku saabsan xaaladda Adis-ababa
ka jirtey iyo dareebka Dhergiga dhexdiisa ka jirtay. Hase yeeshee maalin
labaaddii anaga oo doonayna inaanu la kulano madaxda Beniin, isla markaana aanu
soo afjarno socdaalkayaga Beniin ayaa naloo sheegay inaanay dawladda Beniin
doonayn inay na qaabisho maadaama bay yidhaahdeen aanay Itoobiya safaarad ku
lahayn Kotonu (Caasimadda Beniin), dabadeedna waxaanu u tagnay safaaradda ay
Nayjeeriya ku lahayd Caasimadda Beniin, waxaanuna safaaradda Nayjeeriya ka
codsanay inay nala xidhiidhiso Adis-ababa, waanuna la xidhiidhnay Adis-ababa,
waxaana naloo sheegay inay meesha dhibaato ka jirto.
Marka la eego
weftigayagii xubno aan anigu ka mid ahay xog-ogaal uma ay ahayn arimaha iyo
falgalada siyaasadeed ee meesha ka socday, sidaa darteed arimaha iyo sida ay wax
u jiraan nooma ay dhaadhacsanayn ama maanu fahamsanayn sida ay wax u jiraan ama
u jiri karaan. Laakiin Wandasaan ayaan ka maqlay isaga oo leh labada nin Dabala
iyo Mulgeeta waxay kala taageersanaayeen Mingistu iyo Tafare Baande, taas oo uu
Dabala taageersanaa Mingistu, halka uu Mulgeetana taageersanaa Tafare Baande,
sidaa darteed labadooduba waxay siteen hub, taas oo aanu aragnay inuu mid walba
shandadda ugu jiro qori dabalaab ah (AK47), dabadeedna waxa noo muuqday arin ama
dhibaato cabsideeda leh, laakiin waxaanu ka soo duulay Beniin, waxaanuna galay
Nayjeeriya, waqtigaana Nayjeeriya waxa ka jirey ciyaaraha Fasta faalka loo
yaqaan, sidaa darteed Itoobiya waxay ka mid ahayd dalalka munaasibaddaa ka soo
qayb galay, laakiin waanu sii dhaafnay Nayjeeriya, waxaanuna u dhoofnay
Adis-ababa, dabadeedna markii aanu madaarka Booli ee Adis-ababa ka soo degnay
waxa na qaabilay askar tin iyo cidhib hubaysan, intaa ka dibna hore ayaanu
magaalada u galay, waxaase markiiba madaxtooyada isu raacay, basle Mulgeeta
(ninkii taageersanaa Tafare) maalintaa ka dib maanu arag, waxaana lay sheegay in
la dilay isaga oo is leh baxso.
Marka la
diyaarinayo socdaalada muhimka ah ee uu gudoomiyaha golaha dhergigu
(Madaxweynaha) ku tegayo debedaha waxa isku duba ridi jirey agaasimaha xafiiska
gudoomiyaha oo ahaa Mangistu Gamaju, isaga ayaana soo xuli jirey xubnaha raacaya
gudoomiyaha, laakiin madax waaxda borotokoolka ayaa diyaarin jirey hayadaha iyo
dalalka uu la kulmayo gudoomiyuhu iyo weliba xidhiidho uu la sameeyo safaaradaha
dalalka uu gudoomiyuhu booqanayo.
Mangistu Gamaju
inkasta oo uu ahaa xidigle, hadana waxa uu ka mid ahaa golaha dhergiga, waxaana
odhan karaa waxa uu ahaa saaxiib aad ugu dhaw Mingistu Xayle Mariam, isla
markaana maalin qudha maan arag isaga oo diiday ama ka soo horjeestay hadalka
Mingistu oo xataa ka soo diidmo iska daayoo maan arag isaga oo soo jeedinaya
ra’yi ka duwan, sidaa darteed waxa loo diro isaga oo aan wax su’aal ah ka
soo jeedin ayuu ku dhaqaaqi jirey oo uu qaban jirey, inta badana isaga iyo
gudoomiyuhu (Mingistu) gaar ayey u wada shiri jireen, isla markaana Mangistu
Gamaju isaga oo aan ogayn xafiiska Mingistu Hayle Mariam cidi may geli jirin…La
soco cadadka dambe.
M |
oosko (W. Wararka): Madaxweynaha dalka Ruushka Fladamiir Buutin
ayaa sheegay inuu qaadayo talaabooyin ugu haboon ee nabadgelyo laggaga aslaaxin
karo Jamhuuriyadda Jeejniya. Hase yeeshee waxa uu meesha ka saaray inuu wax wada
hadal ah la yeesho dagaalyahamiinta u halgamaya sidii ay Jeejniya u heli lahayd
madax banaani taam ah.
Hadalkan waxa uu
madaxweyne Falaadamiir Buutin ka jeediyey kulan uu shalay la yeeshay dadka u
dhashay Jamhuuriyadda Jeejniya, laakiin taageersan xukuumadda Ruushka ee
Falaadamiir Buutin, dadkaas oo dawladda Raashiya ku dhiiri gelinaya inay
dedejiso dedaalkeeda ku wajahan soo afjaridda colaadda mudada saddexda sannadood
ah ka ooggan dhulka Jeejniya.
Dadka reer Jeejniya
ee taageersan xukuumadda Moosko waxa kale oo ay u soo jeediyeen xukuumadda iyo
Baarlamaanka Raashiya in isbedel lagu sameeyo distoorka dalka Raashiya, iyadoo
ay isbedelka distoorka ku xigi doonaan doorashooyin madax banaan oo dalkaa ka
dhaca, laakiin madaxweyne Buutin ayaa baaqa Jeejniyiinta kaga jawaabay inaanu
arintaa markii hore diyaar u ahayn, hase yeeshee uu hadda aqbalayo maadaama ay
soo jeediyeen Jeejniyiintu. Laakiin madaxweyne Buutin waxa uu ku adkaystay
inaanu wax wada hadal ah la yeelanayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Jeejniya Islaan
Mus-khadoof oo uu ku tilmaamay dagaal ooge la mid ah Usama Bin Laden.
K
|
Warka ay dawladda Yugandha dagaalkaa ka soo saartay waxa uu intaa ku
daray inay ciidamadeedu weli baacsanayaan firxadkii ka hadhay Falaagada weerarka
soo qaaday.
Dagaalkani waxa uu maalmo yar ka dambeeyey markii ay dhowaan ciidamada
dawladda Yugandha weerareen saldhig ay Falaagadu ku lahayd koonfurta dalka
Suudaan, halkaana ay ku dileen 24 qof oo ka tirsan ciidamada falaagada.
Wararka la xidhiidha dagaalka ka dhex-ooggan ciidamada dawladda Yugandha
iyo falaagada ku kacsan ayaa sheegaya inay dagaalada ka dhacay waqooyiga
Yugandha saddexdii bilood ee u dambeeyey keeneen dhimasho gaadhaysa ilaa 670 qof
oo rayid ah iyo qafaalasho la kulantay ilaa laba kun oo qof iyo weliba burbur
soo gaadhay ilaa saddex kun oo guri.
Badheedhaha
W |
aa laba wasiir oo jagooyin isku derejo ah ka haya maamulka xukuumadda
Somaliland, laakiin awoodo isku mid ah kama ay lahayn dhinaca qasriga
madaxtooyada Somaliland.
Labadaa wasiir mid ka mid ah waxa suurtagal u ahayd inuu xafiiska sare
ee madaxtooyada galo, lana kulmo madaxweynaha xili alaale xiliga uu doono,
laakiin ka kale toddobaado iyo bilo ayey ku qaadan jirtey inuu la kulmo
madaxweynaha. Sidoo kale labadaa wasiir midkood waxa uu lahaa awood uu ku fuliyo
ama ku soo qabto arimo badan oo ah dano ku xidhan dhinaca dawladda, ka kalena
waxa laga yaabaa iska daa waxyaalo kale oo uu soo qabtee, isaga laftiisa ayaan
awoodi karin inuu soo fushado waxa uu u baahdo.
Sidaa darteed awoodaha ku wareegsan madaxtooyada Somaliland waxay ka
koobnaan jireen tiro wasiiro ah oo gaar u astaystay awoodo dheeraad ah, kuwaas
oo ay qaarkood gaadheen heer lagu naanayso Ra’iisal-wasaare, ragga noocaas
ahna waxa naanaysta caynkaas ah loo siiyey waxay ahayd iyadoo uu mid ka mid ahi
tusaale ahaan awood u lahaa inuu isugu gaar u shiriyo ama ay ugu xidhnaadaan
xayn wasiiro ahi, kuwaas oo aan ahayn kuwa madaxtooyada ka ag dhowaa.
Ragga caynkaas ahi waxay mar walba abaabuli jireen xiisado iyo xaalad
abuur, waxayna farta ku fiiqi jireen cid ay ku tilmaamaan inay cadaw u yihiin
maamulka talada haya, taas oo ay iyaguna iska dhigaan nasteexa madaxtooyada kaga
dayran ama ka horjooga cadawga.
Xulafadani waxay iska dhigi jireen dayr awood leh oo ku wareegsan
madaxtooyada, waxayna yeesheen saamayn siyaasadeed oo gaar ah iyo weliba awoodo
maamul, taas oo ay awood u yeesheen inay kala shaandheeyaan go’aamada
madaxtooyada ka soo baxaya iyo cidda la kulmaysa hogaamiyaha sare ee dawladda oo
uu fadhigiisu yahay madaxtooyada.
Marka hab-dhaqankan aynu soo xusnay lagu dabakho maamulka madaxweyne
Rayaale runtii lama odhan karo raggaasi way ka baxeen meesha, lamina odhan karo
arintu waa sidii hore, waayo bilowgii ilaa waqtiyadan dambe waxa jira waxoogaa
furfurnaan ama madax banaani ah oo ay madaxweyne Rayaale kula kulmaan
dhinacyadii bulshada ama dadkii ay markii hore raggaasi baandowga ka saareen
inay la kulmaan hogaanka sare, laakiin furfurnaantaasi may raali gelin
wiilashaa, ka dibna waxay bilaabeen inay hoos-hoos xadhkaha ugu furaan awoodda
maamulka ay ka midka yihiin iyo weliba urur-siyaasadeedka UDUB.
Wararka qaarkood ayaa tibaabaxaya khilaafka
dhowaan ka dhex-oogsaday hogaanka UDUB inuu hoosta ka soo huriyaan wiilasha aynu
soo xusnay oo xiligan qawaday awoodahoodii dheeraadka ahaa, inkasta oo ay ku
fadhiyaan kuraastoodii wasiirnimo, laakiin waxa la leeyahay wax bay tirsadeen,
waxayna u arkeen inaanu seeraha maamul ee hogaanka madaxweyne Rayaale ugu
qaydnayn sidii uu ugu qaydnayn jirey xiligii madaxweynihii geeriyooday, taas oo
la leeyahay waxay meesha ku dhex arkeen xubno kale oo aanay jeclaysan, iyadoo ay
siyaasadda madaxweyne Rayaale u muuqatay xurmaynta xulafadii maamul ee
madaxweynihii ka horeeyey iyo soo dhowaynta dhinacyo kale oo maamulka hore
debedda uga joogay, laakiin inkasta oo uuna madaxweyne Rayaale bilowgii dhisan
maamul wadaag ah oo isugu jira dhinacyadii talada debedda ka joogay iyo raggii
gudaha ku jirey, hadana xiligan waxa muuqda waxoogaa isbedel ah oo aanay koleyba
jeclaysan kudladda aynu soo tilmaanay, taas oo ay u arkaan in xadhkohoodii ama
dabinadoodii qaar la debciyey, waxayna taasi keentay inay bilaabaan raacdo ay
dib isugu soo ururinayaan firidhkii ku dhacay, kuna
baadi doonayaan sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen xayndaabkoodii
awoodeed mid la mid ah, taas oo ay uga dan leeyihiin sidii ay naftoodu
daawo ugu heli lahayd xanuunka naftooda damqaya, kaas oo ah inay helaan
awood qayrul-sharci ah oo ay iyagu gaar ugu tagri falaan.
Arintu sida ay doonto ha ahaatee waxa hubaal ah inuu maamulka madaxweyne
Rayaale ka toosnaan lahaa sida uu maanta yahay hadii uu goor hore ku dhiirran
lahaa talaabooyin uu ku safaynayo casaabadda dhex gurguuranaysa maamulkiisa,
taas oo ay tahay inuu meesha ka saaro xubnaha ku mamay awoodda qayral-sharciga
ah ee ay sida gaarka ugu tagri falaan, iyaga oo mar walba doonaya inay xuurta ku
haystaan awoodda dalka. Raggaasina dhaqanka ay waalifeen waxa uu la mid yahay
dhaqankii dalka Masar ka jirey sannadkii 1971-kii, waqtigaas oo Anwara Saadaat
xukunka kala wareegay Jamaal C/Naasir oo uu markii hore madaxweyne Kuxigeen u
ahaa, laakiin Anwar Al-saadaat waxa carqalad ku noqday kooxihii awoodda badan ee
leexsan ku lahaa maamulkii hogaamiyihii ka horeeyey, waxayna taasi ku qaadatay
inuu muddo sannado gaadhaysa kaga sifeeyo maamulkiisa, ka dib markii ay la
barbar yaaceen awoodo u dhigma ama ka sareeya awoodiisii madaxweynenimo.
Talaabadaasna waxa uu Anwar Al-saadaat ku helay fursad uu si xor ah ugu madax
banaanaado taladiisa hogaamineed, taas oo ay meesha ka baxeen awoodihii
dad-banaa ee barbar yaacayey.
Anigoo
ah muwaadin somalilander ah isla
markaana ka mid ah taageerayaasha ururka UDUB, waxaan halkan ku soo bandhigayaa
aragtidayda hoos ku qoran.
Maamulka
gobolka Hargeysa ee ururka UDUB, markii la soo gaadhay xulida ama kala saarida
musharixiinta Golaha deegaanka caasimada isaga oo burburiyay xeer hoosaadka
ururka UDUB, qodobada 17aad, 18aad iyo 19aad, xeerka doorashooyinka Qaranka
qodobada 4aad iyo 23aad iyo dastuurka dalka JSL qodobada 8aad iyo 9aad, wuxuu ku
kala saaray ama ku soo xulay qabyaalad iyo beelnimo, taasoo ah mid dambi qaran
ah, oo ay xaaraantinimaynayaan, dhammaan xeerarka kala duwan ee kor ku qoran.
Waxaanu
xulay Gudoomiyaha gobolku, xubinta 1aad ee Golaha deegaanka caasimada,
inaadeerkii oo haysta codad ama taageerayaal dhan 370 xubnood, waxaanu liiskaba
ka saaray xubinta buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa, haystana codad
ama taageerayaal dhan (1535), xubnood, taasoo ah qabyaalad, cadaalad darro iyo
baabi’inta ururka UDUB, ama kala eriga ururka UDUB iyo dadka taageerayaashiisa
ah.
Haddaba waxaa cadaan ah Gudoomiyaha gobolka Hargeysa ee ururka UDUB,
inuu si badheedha u burburinaayo una baabi’inayo ururka UDUB, si uu uga hadho
ururku tartanka doorashooyinka dalka, dadkana uga eryaayo ururka UDUB, si ay ugu
biiraan ururo kale oo ay isaga is ogyihiin.
Haddaba
dhammaan taageerayaasha ururka UDUB waxay sugayaan si ay go’aan u qaataan,
talaabada ay ka qaadaan arrimaha kor
ku qoran iyo sida ay wax uga qabtaan gudida fulinta ururka UDUB.
Bal
Dayaay Wadaadkii waa kaa sii dabayshadaye
Wixii
ka dhacay ururka UDUB dhexdiisa waxay ahayd wax dadka qaarba ay dhinac u qaateen
dadka qaar waxay la ahayd in Cabdi Aw Daahir noqday nin ka dheereeyay maamulka
fadhi baradka ah ee mudada yar xilka hayay isla markaasina inuu u muujiyo nin ay
ka dambayso taageero weyn oo dhan walba ah, halka ay qaar kale iska tusayaan in
Cabdi Aw Daahir lagu maagay markii uu diiday inuu sadbursiimo u sameeyo beel ka
mid ah beelaha Hargeysa oo madaxweynaha cadaadis ku saartay in loo kordhiyo
xadiga kuraasta Golaha deegaanka ee caasimada, isla markaasina ay qaataan 10
kursi ee ugu horeeya tirada ugu badan taasi oo la sheegay inuu isna ka diiday.
Qaar sadexaad ayaa iyaguna sheegay inuu mid ka mid ah siyaasiyiinta isu soo
sharaxay xilka madaxweynenimada dalku uu dhabarka ka taabtay oo uu u balan
qaaday lacag iyo xil intaba si uu u kala daadiyo ururka isku jirka ah ee
dawladda.
Si
kastaba ha ahaatee umay raxleynin cid kasta oo uu islahaa waxaad ka helaysaa
taageero buuxda ha ahaato beesha uu ka soo jeedo ama ha ahaato cid kale oo uu
islahaa waxay ku siinayaan hiil muuqda. taasi oo qaarba aydhan ula aamuseen
taageeradooda haddii aynu ku horeyno dhanka beesha waxay u arkayeen nin ka
gaabiyay waxyaabo badan oo ay beeshu xaq u lahayd ha ugu horeyso xilalka ururka
ee heer gobol iyo heer degmo oo aanu u qaybin sidii la rabay taasi oo ay beeshu
si weyn uga madax ruxday. Dhinaca dadkii kale ee uu islahaa waxaad ka helaysaa
taageero buuxdana ayaa iyaguna noqday qaar kula socday danta ay ka lahaayeen oo
keliya ee aan si niyadi ku jirto aan u taageersanayn.
Isku
soo wada duuboo maamulka sare ee UDUB (madaxweynaha) waxaa looga fadhiyaa inuu
si dhakhso ah u magacaabo xoghaye guud oo xisbigu yeesho kana soo jeeda halka uu
kii hore ka soo jeeday, isla markaasina uu si siman u qaybiyo tirada gudiga
fulinta ee dhinaca ka raran haddii kale waxay u ekaanaysaa inuu Madaxweynuhu
qaatay cadaadiskii beryahanba dadku ku xamanayeen ee la lahaa waxay dhegihiisu
maqlaan codka beel qudha.
Haween
UDUB Ah Oo Dhigay Mudaaharaad ay Ku Taageerayaan Cabdi Aw Daahir.
H |
argeysa
(Haatuf): Haween ka tirsan garabka haweenka ee ururka UDUB ayaa shalay abaabulay
mudaaharaad ay ku taageersan yihiin Cabdi Aw Daahir, Xoghayaha guud ee UDUB oo
sheegay inuu yahay musharaxa madaxtinimada ee ururkaasi taasoo keentay inuu
khilaaf ka dhex dhasho hogaanka ururka UDUB.
Haweenkan
oo watay basas iyo baabuur kale waxay socod ku mareen wadooyinka waaweyn ee
Hargeysa iyagoo ku dhawaaqayay “Cabdi Aw Daahir ha noolaado” aakhirkiina
waxay isugu tageen xarunta ururka UDUB.
Balse
haweenkan waxaa markii dambe kala kaxeeyay Ciidanka booliska.
Sida
ay noo sheegtay Xaliimo Cismaan Raage oo ka mid ahayd haweenka mudaaharaadka
abaabulay waxay mudaaharaadkaa ku taageerayeen Cabdi Aw Daahir, iyo
dimuqraadiyada “waxaanu taageeraynaa Cabdi Aw Daahir Cali Xoghayaha guud oo
xoog lagaga saaray xafiiskiisii taasoo ka soo horjeeda Dimuqraadiyada oo ay
xaaraan ka tahay in xoog la adeegsadaa” ayay tidhi Xaliimo oo xalay u
waramaysay Haatuf.
Maaha
markii ugu horeysay ee ay haween UDUB ahi mudaaharaad dhigaan balse waxa kan ka
horeeyay mudaaharaad noocan ah oo lagu taageerayay Madaxweyne Rayaale.
Q |
aahira
(W. Wararka) Shir deg deg ah oo ay ku kulmeen wasiirada arrimahada dibadda ee
dalalka xubnaha ka ah jaamacada carabta ayaa shalay ka furmay xarunta ururkaasi
ee magaalada qaahira kaasoo ay kaga wada hadlayaan qaaraarkii dhawaan ka soo
baxay Golaha amaanka ee Q. midoobay ee ku saabsanaa baabi’inta hubka halista
ah ee Ciraaq.
Sida
uu sheegay Gudoomiyaha kulankan oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan
Maxamed Xaamud mawduuca ugu horeeya ee kulankan lagu soo qaadayaa waa xaaladda
xun ee ay wakhtigan marayso umada carabtu isaga oo Golaha amaanka ka dalbaday
inay fuliyaan qaraarkii ka soo baxay Golaha amaanka ee ku saabsanaa Falastiin
iyo in la baabi’iyo hubka halista ah ee ay Israa’iil haysato. Xoghayaha guud
ee jaamacada Carabta Camar Muusa ayaa la sheegay inuu diiday khudbadiisa
furitaanka uu ka jeediyo shirka isaga oo sheegay inuu ka jeedin doono kulanka ay
albaabadu u xidhan yihiin ee wasiirada arrimaha dibadda isagoo taa ku sababeeyay
marxalada khatarta ah ee ay marayso umada carabtu.
Balse
Camar Muusa waxa uu tilmaamay inaanay diidanayn qaraarka qaramada midoobay ee ku
saabsan hubka Ciraaq. Balse ay diidanyihiin in xoog loo adeegsado arrinta
Ciraaq.
Dawladda
Ciraaq ayaan ilaa hadda ka hadlin mawqifkeeda ku Aadan qaraarka Golaha amaanka
balse waxa la filayaa inuu Sadaam xuseen aqbalo fulinta qaraarkaasi.
Wasiirka
arrimaha dibadda ee Ciraaq Naji Sabri ayaa isna sheegay in ay Ciraaq qaraar soo
saari doonto wakhtiga ku munaasibka ah.
P |
eking
(W. Wararka) Shirweyne uu ku kulmay xisbiga shuuciga ah ee ka taliya dalka
Shiinaha ayaa ka furmay caasimada dalkaas ee Peking. Shirweynahan oo ah kii
16aad ee uu yeesho xisbigaasi waxaa la sheegay in la soo hordhigay dib u habayn
la doonayo in lagu sameeyo xisbigaasi isbedelkan oo aan faah-faahin laga bixin
waxa la filayaa inuu dariiqa u furo dad cusub iyo dabaqado loo ogolaado inay ku
soo biiraan xisbiga, shirweynahan oo ay ka qayb galayaan ergooyin ay tiradoodu
dhan tahay 2114 ayaa la filayaa inay ansixiyaan isbedelkan waxaa kale oo la
filayaa inay hogaanka xisbiga ku soo biiraan dad dhalinyaro ah oo bedela
hogaamiyayaasha da’da weyn ee xisbigaasi ee ay da’doodu dhaaftay 70 sano.
S |
anca
(W. Wararka) Dawladda maraykanka ayaa dib u furtay safaarada ay ku leedahay
Yemen taasoo albaabada loo Xidhay ka dib markii weerarka ay diyaaradaha
Maraykanku qaadeen lagu dilay dhawaan 6 xubnood oo la sheegay inay ka
tirsanaayeen Al-Qaacida duleedka Sanca.
Xidhitaanka
safaarada maraykanka waxaa loo qaaday talaabo dhinaca amaanka ah iyadoo laga
cabsi qabay in ay kooxaha mintidka ahi ay qaadaan weeraro aargoosi ah. War ka
soo baxay safaarada ayaa lagu
sheegay shalay in safaarada dib loo furay haatan ayna qaban doonto hawlaheedii
caadiga ahaa. Beryahanba waxa Yemen ka
jiray dagaal u dhaxeeya maraykanka iyo ururada Islaamiga ah taasoo keentay
weeraro iyo qaraxyo ka dhaca dalkaasi.
Kooxda
Westham ayaa la kulantay guud daro ciyaartii ay kula kulantay Leeds.
Difaaca
Kooxda West ham oo isku daadsanaa ayaa keentay inay qaybtii hore ee ciyaarta ay
Leeds dhaliso tiro goolal ah oo ay ku hubsato shabaga goolka Kooxda West ham.
Guusha
ciyaartan ayaa ahayd mid kor u qaadaysa niyada Kooxda Leeds.
(4)
afarta gool ee guushu ay ku raacday Kooxda Leeds qaybtii hore ee ciyaarta,
laakiin qaybtii dambe sidaa umay awood badnayn Kooxda Leeds.
Kooxda
Leeds waxay dhalisay goolkeeda koowaad ee ciyaarta daqiiqadii 11aad markii Harry
Kawell kubad uu u laliyay Nick Barmby oo isaguna ku madaxeeyay goolka West-ham.
Goolkii labaad ee Leeds wuxuu u dhashay daqiiqadii 28aad markii uu dayacaad
muujiyay difaaca West-ham oo uu u dhaliyay Kewell, isla daqiiqadii 41aad ayuu
Kewell u dhaliyay kooxdiisa goolkiisii labaad ee ciyaarta oo ahaa goolkii
saddexaad ee ay ciyaarta dhaliso Kooxda Leeds, goolka afraadna waxaa saxeexay
Mark Vaduka daqiiqadii 45aad ee ciyaarta. Saddexda gool ee ay ciyaarta dhalisay
Kooxda West-ham oo dardar la soo gashay ciyaarta qaybteedii dambe waxaa u kala
dhaliyay Di Canio oo daqiiqadii 21aad markii laad dheer oo uu soo laaday Micheal
Carrick uu farsameeyay Robinson, kubadaas oo lugta u gashay Paul Di Canio oo
isna geftin kaga hubsaday goolka Leeds. Labada gool ee kale waxaa u kala
dhaliyay West-ham Pen iyo Sinclair daqiiqadii 50aad iyo 74aad ee ciyaarta.
Goolka
saddexaad ee uu West-ham u dhaliyay Sinclair ayaa ahaa gool xili dambe oo
ciyaarta qaybta dambe dhashay, waxaanu rajo galiyay Kooxda West-ham.
Madaxa
Kooxda West-ham oo ciyaartaas ka faaloonayyay ayaa yidhi “ma guulaysan kartid
ciyaarta haddii uu difaaca kooxdaadu noqdo sidii uu ahaa difaacayagu qaybtii
hore ee ciyaarta” maamulaha Kooxda Leeds Terry Venables oo isna ciyaarta ka
hadlayay wuxuu yidhi “waxaanu ahayn koox diir-diiran qaybtii hore ee
ciyaarta” ciyaartaas dhexmartay kooxaha Leeds iyo Westham waxa ka soo qayb
galay daawashadeeda 33,297 qof.
“Niall
Quin Oo Ciyaaraha Ka Fadhiistay”
laba
gool oo ay Kooxda Sunderland u kala dhaliyeen Kevin Philips iyo Tore Andre Flo
ayay kaga guulaysatay naadiga kubada cagta ee Totteham ciyaar dhexmartay oo
aanay Totteham wax goola dhalin.
Ciyaartoyga
gool hore u dhaliyay Sunderland Philips ayaa saaxiibkiisii ciyaaraha ee mudada
dheer Niall Quin ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo ciyaaraha kubada cagta.
Sunderland ciyaartani waxay u ahayd mid dhiiri galin u leh waxaana lagu
ciyaarayay magaaladooda, waxaanay ahayd markii ku xigay ee ay 2 gool dhaliyeen
wixii ka dambeeyay 1April ee sanadkan labada gool ee ay ciyaartaas guushu ku
raacday Sunderland waxay u kala dhasheen daqiiqadihii 60aad ee ciyaarta iyo tii
62aad. Kooxda Totteham ayaa iyagu helay fursado badan oo ay goolal ku dhalin
karayeen laakiin fursadna kamay faa’iidaysan oo may dhamaystirin. Daqiiqadii
23aad ee ciyaarta ayaa Kooxda Totteham soo kululaysay weerar uu hujuumkeeda
qaaday Dean Richards, laakiin madaxayntii uu
goolka la beegsaday way dhinac martay.
Daqiiqadii
31aad ee ciyaarta weerar kale oo ay isku dhiidhiibeen Teddy Shering iyo Simon
Davies oo ay kubada ku weerareen goolka Sunderland waxaa isu dhigay oo difaacay
Phil Babb oo u ciyaarayay Sunderland.
Sunderland
waxay heshay fursad fiican ka hor wakhtiga nasashada ee qaybtii hore ee
ciyaartaas markii uu Gavin Mc Can uu kubad baas ah u salaxay Philiphs.
Ciyaartaas
waxa u saftay Kooxda Sunderland ciyaartoyga kala ah Macho, Mc Cartney Babb,
Craddock, Wright, Gray Kilbane, Mc Cann, Flo, Philiphs,.
Inkasta
oo ay guushu raacday Kooxda Sunderland, haddana Kooxda Totteham may shidayn dab
yar, waxaanay qaadayeen hujuumo is daba jooga oo ay la beegsadeen goolka
Sunderland.
Weeraryahanka
reer Ireland ee u ciyaara Sunderland Salute Niall Quinn oo 36 jir ah ayaa
maalintii shalay cadeeyay inuu ka fadhiisanayo ciyaaraha, Quinn oo dalkiisa
Ireland u ciyaaray koobkii adduunka ee bishii june ee sanadkan, wuxuu Sunderland
u ciyaarayay lix sanadood, ciyaarihiisa wuxuu la bilaabay Kooxda Arsenal
sanadkii 1983kii toddoba sanadoodna wuxuu u safanayay Highbury intii aanu u
wareegin Manchester City 1990.
Niall
Quinn wuxuu sanadkii hore magac meel maray ka helay markii uu dakhligiisii ugu
deeqay Hay’adaha samafalku qaadhaan ay u ururinayeen dad baahan.